diff --git "a/data/som/train.tsv" "b/data/som/train.tsv" new file mode 100644--- /dev/null +++ "b/data/som/train.tsv" @@ -0,0 +1,1022 @@ +category headline text url +politics Mareykanka dad ka badan 40 qof oo tahriibayaal ah oo Meydadkooda laga dhex helay Gaari "Ugu yaraan 46 qof oo la rumeysan yahay in ay yihiin dad muhaajiriin ah ayaa meydkooda laga dhex helay gaari ah nooca xamuulka qaada duleedka magaalada San Antonio, ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka. Sargaal ka tirsan shaqaalaha dab damiska ayaa sheegay in 16 qof oo kale oo ay ku jiraan 4 caruur ah sidoo kale isbtaalka loola cararay. Dadkii ka badbaaday dhacdadani ayaa waxaa ""aad u kululaa jirkooda"" waxaana ka muuqtay daal badan. San Antonio, oo 250 km u jirta xudduuda Mexica ayaa ah waddada ay dadka soo mariyaan dad wax tahriibiya. Charles Hood, oo ah madaxa shaqaalaha dab damiska San Antonio , ayaa sheegay in shaqaalaha gurmadka degdega ah ay yimaadeen goobta ka dib markii ay heleen warar sheegaya in halkaasi uu yaallo qof meyd ah. Sida laga soo xigtay kanaalka KSAT TV, gaariga ayaa laga helay agagaarka waddooyinka tareenada ee dhanka Koonfur-galbeed ee San Antonio. Tiro badan oo shaqaalaha gurmad deg deg ah, oo ay ku jiraan booliiska, dab damiska, iyo gawaarida ambalaasta, ayaa la arkayay iyaga oo ku hareeraysan gaariga weyn ee meydadka laga dhex helay. Taliyaha booliiska San Antonio William McManus ayaa sheegay in baaritaanka hadda lagu wareejiyay wakiilo ka socda dowladda dhexe, saddex qofna ay xabsiga ku jiraan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Mexico, Marcelo Ebrard, ayaa sheegay in qunsulka dalkaasi uu ku sii jeedo goobta laga helay meydadka , balse waxa uu intaa ku daray in dadka dhintay aan weli la aqoonsan dalalka ay u kala dhasheen. Barasaabka xisbiga jamhuuriga ee gobolka Texas Greg Abbott ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuu mas'uul ka yahay dhimashada, isagoo ku sifeeyay in ay tahay""natiijadii ka dhalatay siyaasaddiisa xuduudda ee dilaaga ah"". Cimilada San Antonio waa mid aad u kulul bilaha xagaaga iyadoo heerkulku uu gaaray 39.4C (103F) Isniinta." https://www.bbc.com/somali/war-61962361 +politics Warar sheegaya in la sii daayay badmaaxayaashii Turkiga ee lagu afduubtay xeebaha Nigeria "Toban badmaax oo u dhashay dalka Turkiga oo bishii la soo dhaafay laga afduubtay xeebaha Galbeedka Afrika ayaa la sii daayay, sida ay ku warramayso warbaahinta qaranka ee Turkiga. 10-ka nin ayaa saarnaa markab siday konteennaro oo ku socday dalka Ivery Coast markii markabkooda ay 16-kii July dhexda u galeen burcad badeed ka qowlaysata xeebaha Nigeria. Burcad badeedda ayaa 10 qof kula haray gudaha markabka halka sideed kalana ay ku amreen inay iska tagaan. Warbaahinta qaranka Turkiga ee TRT ayaa sheegtay in badmaaxayaasha la sii daayay uu caafimaadkoodu wanaagsan yahay, hasayeeshee wax faafaahin ah oo intaasi dheer ma aysan sheegin. Ma ay cadda cidda afduubatay raggaasi ama in madaxfurasho la bixiyay iyo in kale. Markabkan qaada konteenarrada ee lagu magacaabo Paksoy-1, ayaa waxa uu ka shareecanayay Cameroon waxa uuna ku sii jeeday Ivory Coast markii ay burcad badeedda ku sugan Gacanka Guinea ay soo fuulaysay. Numan Paksoy, oo ka tirsan shirkadda maamusha markabka ee Kadıoğlu ayaa sheegay ""ku dhawaad 12 burcad badeed oo si weyn u hubaysan ayaa waxa ay soo weerrareen doonnida"". Waxa uu BBC-da u sheegay in shaqaalihii markabku ay isku qariyeen qol ammaan ah markii burcad badeeddu ay markabka soo fuuleen hasayee ay soo baxeen markii dadka weerrarka soo qaaday ""ay ku goodiyeen inay markabka gubi doonaan ayna dili doonaan dhammaantood"". Dadka weerrarka soo qaaday ayaa waxa markaa kaddib xusheen 10 badmaaxeyaal halka sideedna ay iska sii daayeen, ayuu yiri. Markabka ayaa markii dambe ku soo xirtay dekadda Tema ee dalka Ghana. Sida ay ku warramayso hay'adda International Maritime Bureau, Gacanka Guinea ayaa ah marinka badda ee ugu halista badan burcad badeednimada, iyadoo 73% afduubyada ka dhaca badda iyo 92% afduubyada ay ka dhacaan Gacanka ka baxsan xeebaha Nigeria, Guinea, Togo, Benin, iyo Cameroon. Weerrar midkaa ka duwan, afar muwaadin oo u dhalatay dalka Turkiga oo 19 July lagu afduubtay gobolka Kwara ee dalka Nigeria aya waxaa la soo badbaadiyay 26 July, sida ay ku warramayso warbaahinta qaranka Turkiga ee TRT." https://www.bbc.com/somali/war-49303460 +politics "Doorashada Mareykanka 2020: Dadka Mareykanka oo galay xaalad ay ku tilmaameen ""mid cakiran""" "Donald Trump ayaa muddo isbuucyo ah sheegayay in haddii codadka doorashada ay isku dhawaadaan uu xisbiga kasoo hor jeeda ee Dimuqraaddiga ku eedeyn doono inay sameeyeen wax isdaba marin ayna isku dayayaan inay guusha ka xadaan isaga. Saacadihii hore ee Arbacada maanta, isla sidaas ayuu sameeyay: xilli aan wali la tirinin malaayiin ka mid ah codadkii doorashada laga dhiibtay, wuxuuna goor horeba ku dhawaaqay inuu guuleystay. ""Waxaan u diyaar garoobeynay inaan ku guuleysanno doorashadan. Run ahaantii, waan ku guuleysannay doorashada,"" ayuu yiri Trump. Isagoo aan wax caddeymo ah soo bandhigin, ayuu sheegay in ""musuqmaasuq"" lagu sameeyay doorashada. ""Waxani waa musuqmaasuq baahsan oo lagu sameeyay qarankeenna. Waxaan dooneynaa in sharciga wax lagu saxo. Sidaas darteed, waxaan aadeynaa maxkamadda ugu sarreysa. Waxaan rabnaa in la joojiyo dhammaan codeynta."" Siyaasiyiinta Dimuqraaddiga iyo xitaa qaar ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ayaa si deg deg ah uga fal celiyay hadalka kasoo yeeray Trump. Ninka ay loollanka iskula jiraan Trump ee ka socda xisbiga Dimuqraaddiga, Joe Biden, ayaa sheegay in doorashada aysan dhammaanin ""ilaa qof walba codkiisa la xisaabo"". ""Waxaan ku taagan nahay waddada guusha,"" ayuu ku adkeystay. Maamulaha ololaha doorashada madaxweynaha ee Biden, oo lagu magacaabo Jen O'Malley Dillon, ayaa sheegtay in hadalka madaxweynaha uu yahay ""wax laga cadhoodo, aan horay loo arag, islamarkaana khalad ah"". ""Waa wax laga xanaaqo sababtoo ah waa isku day qaawan oo muwaadiniinta Mareykanka ah looga qaadayo xorriyaddooda dhinaca dimuqraadiyadda,"" ayey tidhi. ""Waa wax aan horay loo soo arkin sababtoo ah taariikhdeenna horay ugama dhicin in madaxweyne Mareykan ah uu si cad dadka Mareykanka ah ugu diido codkooda ku aaddan doorashada qaranka."" Alexandria Ocasio-Cortez, oo kasoo jeedda xisbiga Dimuqraaddiga, dibna loogu soo doortay kursigeeda Aqalka Wakiillada, ayaa canbaareysay sheegashada Trump, iyadoo ku tilmaantay khatar iyo sharci darro. ""Tiri codadka, natiijadana xishmee,"" ayey kusoo qortay barteeda Twitter-ka. Xitaa siyaasiyiinta Jamhuuriga, ee garabka Trump, sida senator-kii hore ee gobolka Pennsylvania, Rick Santorum, ayaa walaac muujiyay. Santorum wuxuu sheegay inuu ""aad uga walwalay"" hadallada Trump. ""Isticmaalka erayga musuqmaasuq... waxay ila tahay inuu khalad yahay,"" ayuu ku yidhi telefishinka CNN. Hadalkii Trump kaddib, madaxweyne ku xigeenka, Mike Pence, ayaa isku dayay inuu hadalladiisa daboolo, isagoo diiday inuu guul ku dhawaaqo, wuxuuna ku adkeystay in dhammaan codadka la tirin doono. Laakiin hadalka Trump dhaawac ku filan ayuu geystay, sida uu sheegay wariyaha BBC-da ee waqooyiga Ameerika, Anthony Zurcher. ""Haddii Trump uu ugu dambeyn guuleysto ama guul darreysto, waxaa sugaya inuu su'aalo badan ka jawaabo, maadaama uu su'aal galiyay dimuqraadiyadda Mareykanka,"" ayuu yidhi Zurcher. Cudurka safmarka ah ee corona ayaa sababay in si aan horay u dhici jirin ay dad badan oo Mareykan ah codadkooda doorashada uga dhiibtaan dhinaca boostada, taasoo kordhineysa waqtiga tirinta. Gobollada qaarkood, maalmo ayey qaadan kartaa tirinta codadka. Anthony Zurcher wuxuu sheegay in dooarshada Mareykanka ay gashay ""xaalad u eg maalinta qiyaamaha, oo ah arrin ay dad badan oo reer Mareykan ah ka cabsi qabeen, mar haddiiba madaxweynaha Mareykanka, oo ku sugan Aqalka Cad gudihiisa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay codeynta doorashada."" Trump wuxuu marar badan diiday inuu guul darro qiran doono haddii laga adkaado. Arrintan waxay isbuucyadii lasoo dhaafay abuurtay dood ku saabsan in ciidamada milatariga, sirdoonka ama booliska loo adeegsan doono si madaxweynaha xoog looga saaro Aqalka Cad ee uu xeyndaabka ku wareegsan yahay. Tartanka loogu jiro hoggaanka qaranka Mareykanka wuxuu isugu soo haray dhowr gobol oo kala ah: Arizona, Wisconsin, Michigan, Pennsylvania iyo Georgia. Haddii dacwad lala tiigsado natiijada doorashada waxaa khasab ah inay marka hore kasoo billaabato maxkamadaha hoose ilaa marka dambe la gaaro heer ay tagto ilaa maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka. Taasi micnaheeda waa in natiijada kama dambeysta ah ee doorashada 2020-ka ay qaadan karto maalmo. Inta xilligaas laga gaarayo waxaa laga cabsi qabaa inay dhacdo xaalad aan la hubin oo ah mudaharaadyo iyo isku dhacyo. Xitaa maalintii codbixinta doorashada xaalad noocaas ah ayaa loo dhawaaday kaddib markii meelaha qaar ay mudaharaadyo ka dhaceen, oo xitaa ay ka mid tahay Aqalka Cad hortiisa." https://www.bbc.com/somali/war-54813950 +business Shan arrimood oo ku saabsan isticmaalka khudradda Beytaraafka "Beytaraafka waa khudrad muhiim ah oo ka qeyb qaadata xoojinta caafimaadka qofka isla markaana horseeda in qofka isticmaala aanu daalin marka uu sameynayo jimicsiga. Sidoo kale Beytaraafka wuxuu hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga iyo ilaalinta caafimaadka maskaxda. Waxaana beytaraafka la adeegsan jiray tan iyo xilliggii Giriiggii hore, Sidaa darteed waxaa la ogaaday waxtarka uu u leeyahay aadanaha. Waxaa soo ifbaxaya caddeymaha ku saabsan faa'idooyinka aan caadiga aheyn ee beytaraafka iyo sababta aan ugu darsanno cuntadeena. Midabka dabiiciga ah ee madow ee beytaraafka, waxaa loo yaqaan betalains, wuxuuna leeyahay awood xoog leh. Dhowr sano ka hor, cilmi-baaris uu Talyaaniga ku sameeyay beytaraafka ayaa muujisay in uu dili karo kansarka ku dhaca unugyada mindhicirka. Awoodda uu leeyahay beytaraafka waxaa kamid ah inuu ku badan yahay maadada Nitrate. Ma wanaagsano isticmaalka badan ee maadada Nitrate tusaale ahaan haddii maadada Nitrate lagu daro hilibka la warshadeeyey si uusan u hallaabin, wuxuu Nitrate kordhin karaa halista kansarka kaadi heyska. Si kastaba ha ahaatee, marka aan isticmaalno Nitrate-ka dabiiciga ah ee laga helo beytaraafka, wax cajiib ah ayaa dhacaya. Bakteeriyada ku nool afkeena waxay caawisaa nitrate-ku inuu isu beddelo maado la yiraahdo ()dibna wuxuu uu isu beddelaa nitric oxide, waa maaddo awood leh oo saamayn badan ku leh nolosheena. Waxyaabaha kale ay sameyso Nitric oxide waxaa kamid ah inay sare u qaado qulqulka dhiigga ee gudaha jirka. ""Nitric oxide, waxay horseedaa in xididdada dhiigga ay ballaartaan, waxayna ka qeyb qaadataa sare u kaca qulqulka dhiigga si hawada ay u gaarto unugyadayada"" ayuu yiri Andy Jones, oo ah borofisar ka tirsan jaamacadda Exeter ee UK kaas muddo ka badan 10 sano cilmi baaris ku sameynayay beytaraafka. Daraasad ayaa muujineysaa in isticmaalka beytaraafka maalin kasta uu hoos u dhigi karo cadaadiska dhiigga qiyaastii 5 millimitir celcelis ahaan. Haddii la badsado isticmaalka beytaraafka kaas oo hoos u dhigi karo cadaadiska dhiigga, markaa waa mid ku filan yareynta khatarta istaroogga iyo wadna xanuunka 10%. ""Haddii beytaraafka uu isbeddel noocan oo kale ah uu ku yeesho dadka la xanuusan dhiig karka, dhacdooyinka , sida wadne xanuunka iyo istaroogga, ayaa si weyn hoos loogu dhigi lahaa,"" ayuu yiri Jones. Cilmi baaris ayaa sidoo kale muujisay in beytaraafka uu saameyn ku yeelan karo cadaadiska dhiigga dhowr saacadood ka dib marka la cuno. Runtii, maadada nitric oxide waxay sababtaa balaarinta xididdada dhiigga, taas oo sahlaysa wareegga dhiigga ee jirka banii'aadanka. Isticmaalka beytaraafka wuxuu sidoo kale kordhin karaa qulqulka dhiigga meelaha muhiimka ah ee maskaxda. Cabitaanka laga sameeyo beytaraafka ayaa la ogaaday in uu kor u qaado garaadka iyo fikirka. Waxa kale oo ay u muuqataa in uu ka qeyb qaadanayo ilaalinta caafimaadka maskaxda dadka da'da ah. Daraasad la sameeyay ayaa muujisay in isku darka isticmaalka beytaraafka iyo jimicsiga jirka ay kordhin karaan isku xirnaanta meelaha maskaxda ee xakameynaya dhaqdhaqaaqa qofka. Cilmi-baaristu waxay sheegeysaa in cabitaanka laga sameeyo beytaraafka u sare u qaadi karo qulqulka dhiigga ee kiliyaha, taas oo hagaajinaysa waxqabadka maskaxda. Daraasad ayaa sidoo kale lagu ogaaday in cabidda beytaraafka uu ka qeyb qaadan karo sare u qaadida caafimaadka afka gaar ahaan in uu meesha ka saaro bakteeriyda lala xiriira cudurrada afka. Maxay tahay sababta yaanyada looga jecelyahay dunida oo dhan? Waa maxay cuntada Faraaciinta laga soo gaaray ee caanka ka ah Masar? Cuntooyinka madaxweynaha Uganda ka caawiyay inuu iska rido 30 kiilo Daraasadihii ugu dambeeyay waxay sidoo kale muujinayaan in isticmaalka beytaraafka uu dad badan ka caawiyay in si dhakhso ah ay u ordaan xilliga ay sameynayaan jimicsiga ama ay ka qeybgalayaan tartamada. Maadada Nitric oxide ee ku jirta beytaraafkxay sare u qaaddaa socodka dhiiga ee sambabada iyo murqaheena. Daraasad la sameeyay sanadkii 2009 ayaa lagu ogaaday in qofka isticmaalo beytaraafka uusan daalin marka uu sameynayo jimicsiga marka loo barbardhigo dadka kale ee aan isticmaalin ee jimicsiga sameynayo." https://www.bbc.com/somali/61371455 +politics Waxyaabaha u gaarka ah gawaarida qaybta ka ah ilaalada madaxweynaha Mareykanka "Waxyaabaha ay dadku sida aadka ah u xiiseeyaan waxaa ka mid ah arrimaha ku xeeran ilaalada madaxda dunida. Dalka Mareykanka wuxuu ka mid ah dalalka caalamka ee kharashka ugu badan geliyo ilaalada iyo amniga madaxweynahooda. Madaxweynaha marka uu meel u socda kolonyada baabuurta, diyaaradaha iyo ciidamada ilaalada ee hareer socda ayey dad badan aad ula yaabaan. Waxyaabaha isha qabanaya ee ay dadku sida gaarka ah dhaqdhaqaaqa madaxweynaha had iyo jeer la socdo waxaa ka mid ah tirada baabuurta la socota. Qaybta hore ee qormadan ee aan kaga hadleyno ilaalada madaxweynaha waxaan ku eegeynaa, sababta gaadiidka kolonyada looga baahday iyo doorka ay gaadiidkaasi ku leeyihiin ilaalinta madaxweynaha. Safarrada madaxweyne kasta oo Maraykan ah uu galo wuxuu noqdaa arrin weyn oo leh qorshayaal amni oo muhiim ah. Tusaale ahaan, Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump 2019-kii marki uu booqanayey dalka Ingiriiska, waxaa safarka ku wehliyey 6,300 oo ilaalada amnigiisa ah, ilaalada amniga madaxweynaha ee booqashada seddexda maalmood qaadatay waaxda bileyska oo keli ah waxay ku bixisay £3.4 oo gini. Booqasha kale oo 4 malmood qaadatay oo 2018-ki uu madaxweynuhu galayna sida oo kale waxaa ku baxday £14.2 malyan oo Gini. Marka laga reebo saraakiisha ammaanka, waxaa la daabulaa qalab, gaadiid, hub iyo diyaarado si ay booqashada madaxweynaha ay qayb uga noqdaan. Howlgalka noocaasi oo amniga madaxweynaha Mareykanka lagu sugayana waxay u baahan tahay miisaniyad aad u badan. Haddaba aynu eegno gaadiidka cajiibka ah ee marwalba ka soo muuqda dhaqdhaqaaq kasta uu madaxweynaha Mareykanka uu ku sameeyo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba. Marka uu ka maqan yahay ciidankiisa gaarka ah ee loo yaqaan Air Force One oo ah diyaarad militari, madaxweynaha Mareykanka wuxuu adeegsadaa gaadiidka gaarka ah ee loo yaqaan 'The Beast' oo dad badan ay maqleen ama xitaa ku arkeen sawirro ama maqaallo ka hadlaya. Kolonyada madaxweynaha oo ka kooban laba baabuur oo nooca limousine-ka ah oo la mid ah kuwa amniga iyo isgaarsiinta, ayaa waxaa madaxweynaha inta uu safarka gelin sii daabulayo diyaarado ay leeyihiin ciidamada cirka Mareykanka ee ku sugan saldhig dalkaasi ka baxsan ama ka baxsan Aqalka Cad. Madaxweynuhu wuxuu safarkiisa dhulka uu u adeegsadaa 'Cadillac One' - o ah limousine dib loo habeeyey oo loo yaqaan ""The Beast"" sababo muuqda awgood. Baabuurka dheeraadka ah, ee indhaha dadka soo jiidanaya ee la socda kolonyada madaxweynaha ayaa ahaa gaariga Washington DC oo taargadiisu tahay 800-002. Isticmaalka gaarigaasina 2018-ki waxa billaabay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald trump sida ay muujineyso farriin sir ah oo lagu soo qoray barta Twitterka ilaalada madaxweynaha laguna sheegay inuu isticmaalayo gaadiidkaasi ka hor inta usan billaaban shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay. Balse shirkadda gaarigaasi sameysay iyo adeegga sirdoonkuba waxay ka gaabsadeen iney faahfaahin ka bixiyaan waxayaabaha gaarka uu la yahay gaarigaasi marka laga eego dhanka sugidda amniga madaxweynaha. Gaarigaasi culeyskiisuna wuxuu gaarayaa 9,072 kiilo wuxuuna ka sameysan yahay bir iyo daaqado adag oo ay ay xabbaddu kareyn oo aan furmeyn, wuxuuna gaarigaasi ka hortagayaa sunta indhaha ka ilmeysiisa iyadoo ay gudahiisa ku rakkiban kaaamera aragtida habeenki loogu talagalay iyo taleefoonno dayax gacmeedka la shaqeeya oo khad gaar ah aan u baahneen. Taayirada gaarigana waxaa lagu xojiyey oo ku wareegsan bir taas oo macnaheedu yahay in baabuurka la kaxeyn karo xataa haddii ay taayarradiisu banjaraan. Dhinaca rakaabka ee gaarigana ma furmayo si looga hortago weerar dhinaca kiimikada loo adeegsado, waxaana gaariga u dhammeystiran shidaal uu xilliyada xaaladaha degdegga ah ay taagan yihiin u isticmaali karo. Wakaaladda wararka ee Reuters waxay sheegtay gaarigaasi gudahiisa iney ku xiran yihiin qalab elektroonik ah oo adeegyo kala duwan loogu tala galay. Warbaahinta NBC waxay sheegtay gaarigaasi uu qaadi karo ilaa iyo 7 qof , qalab iyo dawooyin dhammeystiran qalabkaasi oo ay ka mid yihiin qaboojiye uu ka buuxa nooca dhiigga madaxweynaha. Balse intaasi oo keli ah ma aha waxyaabaha uu gaarigaasi gaarka uu la yahay. Marka uu madaxweynaha safar uu ku jira ayaad gaarigaasi waxbadan ka ogaaneysaa. Gawaarida kale ee xilliga madaxweynaha uu dhulka marayo la socda waxaa ka mid ah gawaarida safka ku jira ee xagga hore gaariga madaxweynaha ka socota iyo kolonyada gaadiidka ee ciidamada tirada badan sida. Waxayna gawaaridaasi isugu jiraan kuwa ay saaran yihiin ciidamada iaalalada gaarka ah, kuwa sirdoonka, gaadiidka gurmadka, gaadiid isgaarsiinta loogu tala galay, ambalaas iyo gaari wariyeyaal sido. Gawaarida tirada badan ee madaxweynaha ka horreysa waxaa ugu horreeya mootooyin iyo gawaarida booliska oo magacooda sirdoonku yahay 'Booliska Horkaca' shaqadooduna waxay tahay iney waddada uu madaxweynaha marayo ay sii banneeyaan gaadiidkana ay uga sii digaan iney kolonyada madaxweynaha waddada ku soo jiraan. Kaddibna gawaarida booliska waxaa ku xiga gaariga madaxweynaha uu saaran yahay ee loo yaqaanno 'The Beast' wxaana barbar socda gaari kale oo ay isku nooc yihiin. Xagga dambe madaxweynaha waxaa ka socda baabuurta ciidamada sirdoonka. Waxa ku xiga gaadhiga kaaliyaha madaxtooyada iyo dhakhtarkiisa ka dib waxa jira gaadhi amni oo elegtaroonig ah si looga hortago isgaadhsiin kasta oo aan loo baahnayn. Xagga dambe ee gaadhiga madaxweynaha waxaa ka socda baabuurka taageerada iyo kantaroolka ee loo yaqaan 'Control and Support'. Waxa ku xiga baabuur gaar ah oo looga talagalay in lagu maamulo kiimikooyinka ama qalabka khatarta ah ka dibna waxaa xiga baabuur ay saaran yihiin saxafiyiinta. Gawaarida saxaafadda qaada waxaa ku rakiban dayax gacmeed gaar ah oo xogta warbaahinta ku tabiyaan waxaana la socda gaari ambalaas ah. Dadka la socda gaarigan ayaa ah ciidamo ilaalo ah oo wata gaadiid dheeri ah iyo mootooyin alwaax ka sameysan oo lagu magacaabo 'Rear guard'." https://www.bbc.com/somali/war-60298334 +politics Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi oo geeriyooday Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Toroitich Arap Moi. Sidoo kale wiil uu dhalay Moi oo lagu magacaabo Gideon Moi ayaa sheegay in madaxweyne Moi uu geeriyooday saaka aroortii, waxaana uu ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay. Moi oo da'diisu ay ahayd 95 sano jir waxaa uu dalka Kenya Kenya soo maamulayay 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002. Moi ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya. Madaxweyne Moi oo da' ah ayaa dhowr jeer la seexiyay isbitaalka Nairobi hospital ee Magaalada Nairobi, waxaana muddooyinkii dambe laga deyrinayay xaaladiisa caafimmaad. Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi waxaa uu dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, waxaa uu na kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya. Moi ayaa inta uusan madaxweyne noqonin waxaa uu horay usoo noqday madaxweyne ku xigeen sannadkii 1967-dii, waxaana xilka Madaxweynenimo loo dhaariyay sanadkii 1978. Kadib dhimashadii madaxweynihii koowaad ee Kenya, Jomo Kenyatta, waxay Moi u ahayd guul siyaasadeed oo uu gaaray, maadama xiligaas ay jireen siyaasiyiin kale oo ku ag hareereysnaa Kenyatta, kuwaas oo uu hanqal taagayay in ay xukunka qabtaan. Moi ayaa la filayaa in aas qaran loogu sameeyo Kenya maalmaha soo socda. https://www.bbc.com/somali/51367529 +politics Kanaalka Calais: Waa kuwama dadka ku naf-waayay Calais? "Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhimatay musiibadii ugu xumeyd ee soo galootiga ee kanaalka, waxaana saraakiisha Faransiisku ay isku dayayaan in ay aqoon sadaan dhibbanayaasha ay doontu la dagtay. Labo qof oo kaliya ayaa ka badbaadey, oo u kala dhashey Soomaaliya iyo Ciraaq, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Gerald Darmanin. Waxa uu intaa ku darey iney kasoo kabsanayaan qabaw aad u daran, oo si xun hoos ugu dhigay heerlkulkooda, iyadoo su'aalo la weeydiin doono marka ay duruufta saamaxdo. Lama ogo in Soomaali kale ay saarnaayeen doonida qallibantay iyo inay ku dhinteen. Laakiin wax yar ayaa laga og yahay, kuwa aan badbaadin ee badda ku qaraqmey, markii doonida la aaryeeyey ay sii deysay aaryadii ku jirtey, ayna ku quustey meel u dhaw dekedda magaalada waqooyi ee xeebeedka ah ee Calais. Dadka dhintey waxaa kamid ah 17 rag ah, toddobo dumar ah, iyo saddex carruur ah, sida ay BBC-da u sheegay dacwad oogaha magaalada Lille. Duqa magaalada Calais, Natacha Bouchart, ayaa sheegay in mid kamid ah haweenka dhintay ay lahayd uur, halka mid kamid ah carruurta dhintayna ay ahayd gabar aad u yar. Waxaa socda baaritaanno dhanka hida sidaha ah, balse ma jirto cid weli la aqoonsaday. Qaar badan oo kamid ah dadkani waxey u safreen Faransiiska, iyagoo kasoo amba baxey Bariga Dhexe, sidaasi waxaa u soo waramaya ilo aan la xaqiijin karin. BBC-da ayaa la hadashey dhowr hey'adood oo samafal ah, kuwaasoo sheegay in dadka dhintey intooda badan ay u muuqdaan in ay yihiin Kurdiyiinta Ciraaq iyo Iiraan. Qaar ayaa laga yaabaa inay ahaayeen Carab, Afghanistan, iyo sidoo kale Iraaniyiin. Masruur Barzani, oo ah ra'iisal wasaaraha gobolka Kurdistan ee Ciraaq, ayaa sheegay in masiibadan ay tahay mid xasuusin karta khatarta ""Tahriibka sharciga aan waafaq saneyn, iyo kuwa wax tahriibiya, ee dadka iney dhintaan ka shaqeeya"". Handa Majiid, oo ah aasaasaha ururka samafalka ee dallada Kurdiyiinta, ayaa sheegtay iney la xiriirtey ilo kala duwan, kuwaaso isku dayaya iney ogaadaan asalka ama hida raaca dadka dhintey. Marka loo eego cilmi baaristeeda, intooda badan waxey u muuqdeen iney yihiin Kurdiyiinta Ciraaq, ayey tidhi, taasna wax lala yaabo ma aheyn. Muhaajiriin ku qaraqmay xeebaha Liibiya Muhaajiriin hurdaysay oo uu tareen jiiray Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, ayaa sheegay in booliisku aysan hubin dhalashooyinka dadka la baarayo, maadaama midkoodna aanu heysan wax aqoonsi ah. ""Ma ahan wax caadi ah in dadku safraan aqoonsi la'aan, marka ay dibadda u amba baxayaan,"" ayuu yiri Stuart Luke, oo ah qaryaqaan ku takhasusay kiisaska dadka magangalyo doonka ah, ee la xiriira carruurta aan lala soconin. Sababo dhowr ah ayaa jira, ayuu u sheegay BBC-da. Dadka qaar ayaa ka been sheegay asalkooda, si ay u korodho fursadda ay ku heli karaan magan galyo, halka qaar kalana ay ka yimaadeen dalal aan dhaqan u laheyn qaadashada waraaqaha aqoonsiga, ayuu yiri qareenku Tiradii ugu badneyd ee muhaajiriinta ah, ayaa toddobaadkii lasoo dhaafey ka gudbaayey dalka Faransiiska, kuna sii jeeday dhanka iyo dalka Ingiriiska. In ka badan 25,700 oo qof, ayaa doomo yar yar ku tagey Ingiriiska, kaasoo ah safar khatar badan oo dhacey sanadkan, kuwaasoo ka badan saddex laab tirada guud ee sanadkii hore ee 2020-ka. Ugu yaraan toban qof oo kale, ayaa loo malaynayaa inay dhinteen, iyagoo isku dayaya iney ka gudbaan dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafey kanaalka. Weriyaha BBC-da Lucy Williamson, ayaa sheegtay in masiibadii Arbacadii dhacdey, ay keentay iney is casilaan madax. Laakiin waxey sheegtay in qaar badan oo kamid ah muhaajiriinta ay go'aan sadeen iney mar kale ka gudbaan kanaalka, iyagoon loo eegin khataraha. Qaar badan, ayaa aaminsan in loo bareero khatarta, maadaama ay u qalanto in lagu gaaro Ingiriiska. maanta oo Khamiis ah muhaajiriin kale ayaa ka talaabay kanaalka si ay u gaaraan Ingiriiska." https://www.bbc.com/somali/war-59423735 +politics Trump oo lagu dhalillay inuu isbitaalka ka baxay xilli uu hayo Korona "Khuburada caafimaadka ayaa su'aalo iska weydiinayo go'aanka Trump uu uga soo baxay isbitaalka lagu daweynayay si uu u salaama taagerayaal ku sugnaa dibedda isbitaalka isagoo saaran gaari Waxaa jira walaac ah in madaxwenaha inkastoo uu gafuurka u daboolnaa uu hadda kahatar caafimaad geliyay shaqaalaha la saarnaa gaariga. Afhayeen u hadlay Aqalka Cad Judd Deere ayaa sheegay in dhakhaatiirta daweyneysa madaxweynaha ay siiyeen ruqsad uu ku baxa iyagoo sheegay inay tahay mid badqab leh. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo kooban ka maqnaa cisbitaalka sii uu u soo salaamo taageerayaashiisa oo ku sugnaa bannaanka cisbitaalka lagu daaweynayay. Madaxweynaha ayaa ku jiray gaari madow waxaan la arkayey isaga oo afka xiran islamarkana taageerayaasha uga gacan hadiyay gaarigii uu ku jiray. Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay bartiisaa Twitterka ku qoray in uu si kedis ah ula kulmi doono taageeraayiisha. Mr Trump, oo lagu dhaliilay sida uu u maareeyay cudurkan safmarka ah, ayaa sidoo kale sheegay inuu wax badan ka bartay viruska. Xaalada caafimaad Ee Madaxweyne Donald Trump ayaa soo wanaagsanaanysa kadib markii laga helay cudurka Korona waxaana laga yaaba in Maalinta isniinta cisbitaalka laga saaro, sida uu sheegay dhaqtarkiisa gaarka ah. Dr Sean Conley ayaa sheegay in hoos u dhacday markii labaad heerka nefsashada ee Mr Trump waxaana lagu bilaabay daawo lagu magacaabo dexamethasone. Madaxweynaha ayaa lagu xiray qalabka lagu nefsado hal mar oo keli ah tan iyo markii cudurka korona laga helay, waxaa sidaasi yiri Dr Conley oo fahfaahin ka bixinayay hadallo sualo ka dhashay oo horey dhaqaatirtu u sheegayn. Madaxweynuhu wuxuu sheegay '' wax badan ayaan ka bartay cudurka Covid.Iskool ayaan u galay, tani waa xaaladda dhabta ah ma aha wax bugaagta laga dheehan karo, wuu igu dhacay waana fahamsanahay, waa wax la yaab leh. Marka aniga ayaa idinkaga dhici doona qisada'' ayuu Trump ku qoray twitterkiisa. Sabtidii, muuqaalka madaxweynaha uu soo dhigay bartiisa Twitter -ka ayaa waxaa laga dheehan karay Trump oo xiran jaakat suut ah oo aanu wehlin taayga. Waxa uu u mahad celiyay dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyeyaasha xaruunta caafimaad ee Walter Reed. ""Halkan waxaan imid aniga oo ay xaaladdaydu caafimaad wanaagsanayn balse haatan waxaan dareemayaa isbeddel caafimaad,""ayuu yiri. Maalmaha inagu soo wajahan waxaan filayaa iney noqon doonaan kuwa adag. Waanu arki doonnaa waxa dhaca dhowrka maalmood ee soo socda,"" ayuu hadalkiisa ku sii daray. Waxa uu sheegay inuu doonayay inuu dib ugu laabto ololihiisa doorashada. Trump ayaa doorashada 3-da Nofeembar la tartami doona musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ee Joe Biden. Baaritaankiisa cudurka Covid-19 ee uu Jimcihii ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka, ayaa waxa ay hakisay ololihiisa sidoo kalana waxaa shaki laga muujiyay iskudaygiisa uu ku doonayo in shaqada lagu siiyo xaakimka cusub ee Maxkamadda dalkaas ugu sarraysa ka hor inta aanan codbixinta loo dareerin. Covid-19 ayaa halis gaar ah u lahaan kara madaxweynaha oo 74 sano jir ah aadna u cayilan. Waxaa ilaa iyo hadda lagu daweeyay dawo tijaabo ah oo loogu talagalay fayraska korona balse aan wali la ansixinin." https://www.bbc.com/somali/war-54414707 +business Shaqada Malabka: 'Lacag badan baan shaqeynayay, saboolna waan ahaa' """Lacag ayaan sameynayay, balse ma heysan haddana wax lacag ah,"" ayuu yiri Scott Davies, aasaasaha shirkada Hilltop Honey. ""Ma garanayo halka ay lacagtaasi aadday. Markii aan dhibaatadaas xalliyay ayuu ganacsigeyga bullaalay."" Scott ayaa Hilltop ka aasaasay sannadkii 2011 meel u dhow Newtown oo ka tirsan Mid Wales, Britain. Wuxuu haatan sameeyay ganacsi ay sanadkii uga soo xarooto £16m, isagoo malabka ku iibiya dukaamada UK. Malabkaasi qaarkii waxaa laga sameeyaa shinnada ay shirkaddu dhaqato; halka inta kalena ay soo iibsato. Ganacsiga ayaa labo jibbaar kobca sanad walba, wargeyska Sunday Times ayaana dhowaan u aqoonsaday shirkadda 26-aad ee sida dhaqsiyaha badan u kobceysa gudaha UK. Haddana sanadihii ugu horreeyay, Hilltop waxaa la soo dersay dhibaato dhanka kharashka soo xarooda ah. ""Illaa saddex sano, runtii waan dhibtoonayay,"" ayuu yiri Scott. ""Waxaan ku fekerayay: sidee ayaan lacagtan ku sameeyay haddana aanan wax lacag ah u heysan?"" ""Waxaan u shaqeeyay shirkadaha dhuxusha kahor inta aan aasaasin shirkaddan. Ma aanan heysan la taliye dhab ah, ma aanan fahansaneyn ganacsi wuxuu yahayba. Waxaan keliya ogaa inay tahay inaan alaabta ku iibiyo in ka badan inta ay igu fadhiso."" ""Balse aniga oo lacag badan sameynayay ayaan haddana khasaaro ku jiray, waxaan ogaaday in aan mar walba dhibaato ku jiray."" Scott ayaa si dhow ugu kuur galay sida uu kharashku u soo galo ugana baxo ganacsigiisa. Dhibaatada waxay ahayd in dadka uu wax ka soo iibsado uu goor hore siinayay lacagta isaga oo aan weli macaamiishiisa lacag ka helin. ""Ganacsi cusub ahaan, dadka aan alaabta ka iibsado si fiican ilama aysan macaamilin,"" ayuu yiri. ""Wax taariikh ah ma aan lahayn gebi ahaanba, sidaas darteed wax walba waxay ahaayeen kaash. Kaddibna waxaan u tegay macaamiisha waxayna dhahayeen: 'waynu iibsan doonnaa balse lacag idinma siineyno muddo 60 maalmood ah.' ""Marka qof ayaa iibsanaya 5,000 oo caag oo malab ah adigana waxaa lagaa rabaa inaad lacag siiso dadka aad ka soo iibsatay, balse lacagtu waxay muddo 60 maalmood ah la taallaa dadka iga iibsaday. Kaddib qof ayaa wax badan kaa iibsanaya waana inaad adiga lacagtaada ku soo iibisaa, adiga oo macaamiisha lacag ka sugaya."" ""Waxaan ogaaday in dhibku yahay in lacagta laga helo dalabka koowaad."" Scott ayaa bilaabay inuu ka gorgortamo habka kharash bixinta, isagoo dadka uu wax ka iibsado ka socdsaday inay waqti badan siiyaan. ""Ma aha in aad hoos u dhigeyso dadka aad wax ka soo iibsaneyso,"" ayuu yiri. ""Ee kalsooni ayaad ka abuuraneysaa. Waa tallaabadaad koowaad ee aaminaadda. Waa sida: 'Muddo hal toddobaad ah gudahood ayaan lacagta idinku siinayaa'. Waa toddobaad dheeri ah oo ay lacagtu agtaada oolleyso. Taasi way fahmeen."" ""Kaddibna in badan oo aad la shaqeyso, waxay is dhahayeen: 'Scott lacagta wuu i siinayaa sababtoo ah wuxuu i siinayay labadii sano ee la soo dhaafay. 'Intaas kaddib, muddada lacagt bixintaada waxaad ka dhigi kartaa 30 ama 60 maalmood."" Scott in badan ayuu shaqeeyaa, isaga oo ganacsatada cusub la talinaya. Wuxuu garwaaqsan yahay inay ku qasban yihiin inay oggolaadaan in muddo gaaban gudahood ay lacagta ku siiyaan dadka ay ka iibsadaan, ayna lacagta muddo dheer ka sugaan macaamiisha. Hadana inay arrintaas wax ka beddelaan ayuu kula talinayaa inay u noqoto muhiimaddooda koowaad, ayuu yiri. ""Waa su'aal ka taagan dhanka xannaaneynta ganacsiga, intii aad deyn badan qaadan lahayd amaba aad saami ka iibin lahayd maalgashadayaasha."" ""Waxaa la igu qalqaaliyay inaan waxyaabahaas sameeyo sanadihii ugu horreeyay balse waxaan taas beddelkeed eegay kharashka soo xarooda iyo shuruucdeyda ganacsiga, haddana waxaan heystaa ganacsi faa'iido leh, kaas oo aan anigu leeyahay 100% - aniga oo aan wax deyn ah la igu lahayn.""" https://www.bbc.com/somali/war-58410848 +health Calaamadaha lagu garto kansarka ku dhaca xubinta taranka ee ragga "Hormoonnada shahwada ee ragga ayaa qaabilsan dhinaca dhalmada waxayna kasoo baxaan xubinta taranka ee loo yaqaan xiniinyaha. Hase yeeshee, arrintaas waxaa dhibaato weyn u geysta nooc ka mid ah cudurka cancer-ka oo inta badan dadku aysan ku baraarugin marka uu soo wajaho. Cancer-ka ku dhaca xiniinyaha oo afka qalaad ee caafimaadka lagu dhaho ""testicular cancer” waxa uu saameeyaa unugyada soo saara biyaha ragga iyo kuwa dibadda usoo saara labadaba. Qiyaastii boqolkiiba 90 ka mid ah cancer-ka xubinta taranka ee ragga waxa uu asal ahaan ka abuurmaa unugyada sameeya shahwada. Boqolkiiba 10-ka kale waxay ka imaadaan koox burooyin ah oo ku sameysma xubinta salkeeda. Sanad kasta waxaa caalamka laga diiwaangeliyaa in ka badan 50,000 oo qof oo uu ku dhacay cancer-ka xiniinyaha. Ku dhawaad 10,000 oo ka mid ah bukaannada ayaa sanad walba u geeriyooda cancer-ka noocaas ah. Inta badan dhimashada waxaa loo sababeeyaa in dadka ay xilli dambe tagaan dhakhtarka, markaasoo uu xanuunku gaaray heer aan waxba laga qaban karin. Sababta ugu weyn waa in aan si fiican loogu baraarugsaneyn calaamadaha muujiya cudurkan dilaaga ah. Ilaa hadda si dhab ah looma oga waxa sababa kansarka ku dhaca xubinta taranka ee ragga, khubarada seyniska caafimaadkuna waxay ku howlan yihiin in ay sharraxaad helaan. Waxaase la ogaaday in ragga uu cudurkan ku dhaco ay u badan yihiin kuwa da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 35 sano. Astaamaha muujiya cancer-ka xiniinyaha wey kala duwan yihiin. Calaamadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah: Marka ay calaamadahan soo muuqdaan, waxaa habboon in qofka lagu sameeyo baaritaanno ay ka mid yihiin tijaabada dhiigga, raajada xabadka iyo raajada xubnaha taranka. Habka daweynta cudurkan waxa uu noqon karaa dhammaan noocyada daweynta cancer-ka, sida gubista oo loo yaqaanno ""chemotherapy"" iyo ""radiotherapy"" oo loogu talogalay in lagu baabi’iyo unugyada uu haleelay cancer-ka. Tirada dadka sida buuxda looga daweeyo wey badan tahay, waxayna ku xiran tahay mar walba heerka uu gaarsiisan yahay cudurka iyo xilliga laga war helo. Cancer-ka xubinta taranka ee ragga waxa uu inta badan qofka ku dhacaa xilliga ka dambeeya qaan-gaarka ee ka billowda 15 jir, waxaana suurtagal ah in dhalmadu ay istaagto inta ay socoto daaweynta." https://www.bbc.com/somali/articles/c3g4el31q5go +politics Kangana Ranaut: Muxuu yahay khaladka ay xiddigta Bollywood sameysay ee looga xirtay Twitter? "Shirkadda Twitter ayaa xirtay cinwaankii ay xiddigta Bollywood Kangana Ranaut ku lahayd kaddib markii ay atariishadu soo dhigtay qoraal loo arkay inuu yahay mid qalalaase kicinaya. Qoraalkaas ayay Kangana ku weydiisay Ra'iisul Wasaare Narendra Modi inuu ""edbiyo"" hoggaamiye ka tirsan mucaaradka isagoo adeegsanaya xeeladihiisii hoggaamineed ee ""horaantii sanadihii 2000"" - taasoo dad badan ay u fasirteen rabshadihii maareynayay ee dhacay xilligaas, ayna ku dhinteen dad kor u dhaafaya 1,000 oo u badnaa Muslimiin. Farriinta Twitterka ee Ranaut ayaa si deg deg ah u abuurtay caro iyo hadal-heyn ku baahday baraha bulshada. Maamulka shirkadda Twitter wali wax bayaan ah kama aysan soo saarin arrintan. Laakiin wakiil ka tirsan shirkaddaas ayaa BBC-da u sheegay in Ranaut ay marar badan ku tumatay shuruucda Twitter iyadoo ku shaacisay hadallo naceynb abuuraya iyo hab dhaqanno kale oo xumaato ah. Kangana oo la hadleysay warbaahinta ANI ayaa tallaabada ay Twitter qaadday ku tilmaantay cunsuriyad. ""Twiiter wuxuu caddeeyay arrintii aan horay u sheegay oo ahayd in ay yihiin Mareykan dhalad ah, qof caddaan ahna wuxuu aaminsan yahay inuu xukumo qof midabkiisu uusan caddaan ahayn, waxay doonayaan inay kuu sheegaan sida aad u fikireyso iyo waxa aad ku hadleyso ama sameyneyso. ""Waxaan leeyahay meelo badan oo aan codkeyga kusoo bandhigi karo, waxaana ka mid ah habkeyga gaarka ah ee wararka shaleemooyinka,"" ayay raacisay hadalkeeda. Ma aha markii ugu horreysay ee Ranaut ay dhalisay muran iyo hadal heyn. Markii ay ka baxday Bollywood-ka waxay shaacisay eedeymo la xiriira in shirkaddaas dhexdeeda uu ka jiro tacaddi qof jecleysi ah oo dadka shaqada la siiyo lagu kala xusho. Laakiin durbadiiba waxay noqotay qof cod dheer oo laga dhex maqlo shirkadaha filimada dhexdooda iyo bannaankooda labadaba. Inta badan waxay baraha bulshada, sida Twitter iyo Instagram u adeegsataa gudbinta eedeymaha aan xaqiiqdooda la hubin, waxayna weerartaa dadkii jilista kala soo shaqeeyay iyo shakhsiyaadka caanka ah. Waxay hadallo aflagaaddo ah horay ugu tiri atariishooyinka kala ah Sonam Kapoor, Urmila Matondkar iyo Deepika Padukonne. Sidoo kale wuxuu dagaal adag dhex maray saaxiibkeedii hore Hrithik Roshan oo isagana ka mid ah atooreyaasha ugu magaca weyn Bollywood-ka. Sonam Kapoor ayay ku tilmaantay ""burcadda maafiyada"", halka Urmilla ay ugu yeertay haweenka jirkooda ka ganacsada. Sidoo kale Deepika ayay ku sheegtay qof dagaal kula jira xanuun dhinaca dhimirka ah. Qoraallada ay Twitterka soo dhigto ayaa marka laga soo tago inay muran abuuraan waxay u badan yihiin kuwo mararka qaar aan laga fiirsanin oo jah wareer ah. Maalmahan waxay dhexda uga jirtay wararka ku saabsan xaaladda Covid-19 ee Hindiya, iyadoo dagaal kula jirtay dadka ka cabanaya inaan waxba loo qabanin xilli ay Hindi badan u dhimanayeen neef la'aan awgeed. Bishii February ayay sheegtay in adduunka aysan joogin atariisho iyada xirfaddeeda oo kale leh. Laakiin Mr Modi iyo xisbigiisa talada haya ee BJP mar walba way ka nabad qabeen dhaliilaha ay jeediso. Dadka iyada kasoo horjeeda waxay ku tilmaamaan inay tahay qof taageersan garabka midig ee xisbiga BJP. Inta badan waxay hadallo kulul ugu jawaabtaa dadka kasoo horjeesta Ra'iisul Wasaaraha oo ay amaan joogto ah ugu jeediso baraha bulshada. Tusaale ahaan, qoraalkeedii Twitter-ka ee ugu dambeeyay waxay ku bartilmaameedsatay Mamata Banerjee oo ah madaxa golaha wasiirrada ee maamul goboleedka Galbeedka Bengal, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay siyaasiga ugu weyn ku jira mucaaradka Mr Modi. Qiraalkeeda wuxuu yimid hal maalin kaddib xisbiga BJP ay ku guul darreysteen doorashooyinkii gobolkaas ee sida xoogga leh loogu tartamay, inkastoo xitaa Modi uu tagay isagoo ololeynaya. Sanadkii lasoo dhaafay waxay hormuud ka ahayd hadalladii muranka dhaliyay ee ku xeernaa geeridii atoorihii Bollywood-ka ee lagu magacaabi jiray Sushant Singh Rajput, oo boolisku ay sheegeen inuu isdilay. Laakiin Kangana waxay sheegtay in dhimashadiisa ay ka dambeyso shirkadda Bollywood-ka, waxayna bartilmaameed ka dhigatay atariishadii saaxiibaddiisa ahayd, Rhea Chakraborty." https://www.bbc.com/somali/war-56982574 +business Nin ganacsigiisa ku waayay carruur uu eryaday dartood "Nin ka ganacsada iibinta jallaatada ayaa lagala noqday ruqsaddii uu waddooyinka ugu gadi jiray badeecadiisa kaddib markii uu cadhooday islamarkaana waddada ku eryaday koox carruur ah, isagoo waliba ul sita. Ninkan ayaa ku andacooday in ilmaha ay dhagaxyo kusoo tuureen gaariga ay alaabta u saarneyd, sidaas awgeedna uu doonayay in uu ogaado meesha ay daggan yihiin si uu waalidiintooda ugu dacwoodo. Hase yeeshee guddiga arrimaha bulshada ee magaalada Bolton, ee dalka UK, ayaa ficilkiisa ku tilmaamay mid sidaas ay ujeeddadiisa ka duwaneyd, waxayna sheegeen in ay ka baqeen inuu khatar u keeno shacabka. Waxay guddigu ku xukumeen ""in falka uu sameeyay uu yahay mid u qalma in shatiga looga qaado"" sidaasna uu ku waayo ganacsigiisii waddooyinka. Xog loo gudbiyay golaha bixinta shatiyada ayaa lagu faahfaahiyay dhacdadaas. Warbixin laga sameeyay kulanka go'aanka lagu gaadhay ayaa lagu yidhi: ""Guddigu waxay tallaabadan qaadeen kaddib markii ay dhageysteen sida ay wax u dhaceen, labo waalid oo goob joogeyaal ah ayaana ka war bixiyay arrinta, iyadoo sheegay in ninka la soo dacweeyay uu carruurta eryaday isagoo gacanta ku watay ul madow oo caag ka sameysan. ""Guddi hoosaad arrinta loo xil saaray ayaa xogta u arkay mid lagu qanci karo."" Xogta lasoo gudbiyay ayaa sidoo kale lagu sheegay dhacdooyin kale oo falal noocaasoo kale ah uu ku sameeyay ninka jalaatada iibiya. Waxa guddigu dhaheen: ""Ninka lasoo dacweeyay wuxuu qirtay in uu gaarigiisa uga dagay carruurta dartood, sidoo kalena uu watay ul uu kasoo baxsaday gaarigiisa. ""Wuxuu sheegay inuu eryaday balse sababta kaliya ay ahayd inuu ogaado goobta ay daggan yihiin si uu waalidkooda ugu sheego inay dhagaxeynayeen gaarigiisa. ""Intii uu kulanka socday, ninka eedeysanaha ah wuxuu beeniyay qaar ka mid ah qoraalladiisa, isagoo sheegay in uusan eryanin oo uusan wax hub ahna wadanin.""" https://www.bbc.com/somali/war-55863991 +politics Jomo Kenyatta iyo Idi Amin: Kenya iyo Uganda oo ku sigtay inuu dagaal u dhex maro hal gabar darteed "Wargaysyada ugu waaweyn Kenya iyo Uganda oo ay wehliyaan qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ayaa wax ka qoray xogta ku saabsan dagaalkii Kenya iyo Uganda ay ku sigteen ee salka ku hayay gabar la waayay. Arrintan ayaa dhacday markii ay labada waddan dowladahooda kala hoggaaminayeen Jomo Kenyatta iyo Idi Amin Dada. Xukuumaddii Idi Amin ayaa xilligaas gacan bir ah ku wajahaysay muwaadiniinta u dhashay waddanka deriska la ah ee Kenya oo ay ka dhex baarayeen basaasiinta qarsoon, sida ay qoreen wargaysyada Daily Nation iyo Daily Monitor. Xiisadda ayaa ka bilaabatay markii labo gabdhood oo reer Kenya ah oo wax ka baranayay jaamacadda Makarere ay damceen inay u safraan dalkooda. Esther Chesire iyo saaxiibteed Sally Githere oo ay da'doodu ahayd 22 jir ayaa garoonka diyaaradaha ee Entebbe u tagay si ay u raacaan diyaaradda African Airways oo ay ku qornaayeen duullimaadkeeda tirsigiisu ahaa EC629, oo ku wajahnaa magaalada Nairobi. Gabdhihii oo markii ay kasoo gudbeen waaxda socdaalka ku sugan meesha ay ku sugayeen diyaaradda ayay u imaadeen askar ka socotay laanta la dagaallanka argagixisada ee xafiiska Madaxtooyada Idi Amin, waxayna ka dalbadeen in ay kusoo wareejiyaan baasaboorradooda. Kaddib waxaa lagu amray; ""Nasoo raaca"". Askarta oo laga dareemayay qallafsanaan ayaa u muuqday inay si gaar ah u danaynayeen Ms Chesire, oo kasoo jeedday qoys caan ah oo ku dhawaa madaxweyne ku xigeenkii Jomo Kenyatta, oo markaas ahaa Daniel arap Moi. Su'aashii ugu horraysay ee ay waydiiyeen Ms Chesire waxay ahayd: ""Ma hubtaa inaad tahay ardayad wax ka barata Jaamacadda Makerere?"" Xilligaas qofkii lagu shaabadeeyo inuu basaas yahay waxa uu ka mid ahaa dadka galay dambiyada ugu waawayn ee dowladda. Wargayska Washington Post oo sheekadan wax ka qoray ayaa sheegay in markaas kaddib ay askartii gabadhaha ku dhaheen: ""Waan xaqiijin doonnaa inaad tahay ardayad iyo in kale."" Sida ay goor dambe ka sheekeysay Ms Githere oo maqlaysay su'aalaha la waydiinayay saaxiibteed, waxaa markaas kaddib laga dalbaday in ay saxiixaan warqado. Markii ay warqadaha saxiixeen, Sally Githere waxaa lagu amray inay raacdo diyaaraddii ku wajahnayd Nairobi, halka saaxiibteedna lala haray. Kooxda dabagalka iyo sirdoonka ee madaxtooyada Uganda kaligeed kama howlgali jirin gobolka, balse waxaa jiray kuwo la mid ah oo ay lahaayeen madaxda dalalka Bariga Afrika qaarkood. Madaxweynaha Kenya waxa uu lahaa laan gaar u ah oo uu hoggaamin jiray James Kanyotu. Hoggaamiyihii Itoobiya ee xilligaas Mengistu Haile Mariam waxa uu lahaa kooxdiisa u gaarka ah ee baaritaannada qarsoon samaysa. Waxay kooxdaas lahaayeen xabsiyo iyo maxkamado gaar u ah. Madaxweynihii Soomaaliya, Siyaad Barre ayaa isagana lahaan jiray koox u qaabilsan difaaca iyo sirdoonka oo loo yaqaanay Hangash, awooddooduna waxay ka madax bannaanayd Laanta Sirdoonka Qaranka ee markaas la oran jiray NSS. Xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Uganda aad uma wanaagsanayn kaddib markii ay labada dal xorriyaddooda qaateen. Inkastoo horay muwaadiniin u dhashay Kenya loogu waayay gudaha Uganda, sida Dagaalyahankii hornimo doonka Kenya, Kungu Karumba, oo la waayay bishii June ee sanadkii 1974-kii, arrinta Ms Chesire waxay horseedday in labada dowladood ay isku sii xumaadaan. Waxay sidoo kale kusoo aadday xilli Idi Amin uu sheegtay milkiyadda dhul ku yaalla Kenya, taasoo meel xun gaarsiisay xiriirka diblomaasiyadda. ""Ma jirin arrin xafiiskan uga dhib badnayd taas la xiriirta gabdha. Sababta ay u qarinayeen meesha ay ku sugan tahay lama oga. Waxay taasi naxariis darro ku ahayd waalidiinteeda,"" ayuu yiri Dr Munyua Waiyaki, oo markaas ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Kenya, kiiskaasna si wayn uga shaqeynayay. Ilaa laga gaaray dabayaaqadii bishii March ee sanadkii 1976-kii, dowladda Uganda waxay ku adkaysanaysay Ms Chesire ay ku xiran tahay meel amaan ah, baaritaanno dheeri ahna lagu waday. Markii ugu horraysay mas'uuliyiinta reer Uganda waxay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya u sheegeen in ""gabadhu ay faraxsanayd, su'aalana la waydiiyay."" Blase markii ay dowladda Kenya soo shaac bixisay warka ku saabsan in la waayay Miss Chesire, afhayeen u hadlay militeriga Uganda ayaa bayaan u diray Raadiyaha Uganda, isagoo Kenya ku weeraray ""soo bandhigidda"" warka ku saabsan in Miss Chesire la xiray kaddibna xabsi la geeyay. Bayaankaas waxaa dowladda Kenya looga dalbaday in ""ay aamusto ayna diiradda saarto dhibaatooyinkeeda u gaarka ah... ayna tahay inaysan faraha la gelin arrimaha khuseeya dowladda Uganda, oo dhaqankeeda uu nadiif yahay, gaar ahaan arrimaha ku saabsan xuquuqda aadanaha."" Afhayeenka militeriga ayaa sidoo kale dowladda Kenya ka dalbaday in ay joojiso ""hadallada xun xun ee ka dhanka ah Uganda"", isagoo intaas ku daray in dalkiisa uusan wax war ah ka haynin gabadha la sheegay inay maqan tahay. Wargayska ayaa sheegay in haweeney lagu magacaabi jiray Nanziri Mukasa-Bukenya, oo ka mid ahayd macallimiinta Jaamacadda ay isku dayday in ay markhaati ka noqoto kiiska, balse gurigeeda ay tageen kooxda sirdoonka ee Idi Amin ayna ka dalbadeen inay xogta markhaatigeeda ka dhigto in in Ms Chesire laga yaabo inay ku maqan tahay fal ay gaysteen dad iyada uu xiriir jacayl kala dhaxeeyay. Macallimadda ayaa diidday inay markhaatigaas samayso, laddibna meydkeeda ayaa la helay 23-kii bishii June ee sanadkii 1976-kii. Bishii November ee sanadkaas, guddi loo xil saaray baaritaanka kiiska Ms Chesire ayaa xogtooda kusoo gabogabeeyay in gabadhaas ay u safartay dhinaca Kenya. Chesire markii ay saaxiibteed ku kala harayeen garoonka waxay u sheegtay inay soo raaci doonto diyaaradda xigta, balse taas ma dhicin. Waligeed dambe lama arkin, lamana ogaanin halka ay ku dambsay. Intii lagu jiray baadi goobkeeda, dowladda Kenya ayaa gaartay heer ay ku hanjabtay in ay dagaal ku qaadi doonto Uganda, balse xukuumaddii Idi Amin dhag jalaq uma siinin hanjabaaddaas. Xiisadda u dhaxeysay Kenya iyo Uganda ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii arday kale oo u dhashay Kenya lagu garaacay Uganda kaddibna la dhigay isbitaalka Mulago. Inta badan ardayda lagu waxyeelleeyay Uganda waxay ahaayeen kuwo ka qayb qaatay barnaamij ay Jaamacadda Nairobi ardayda uga baddalanaysay jaamacadaha Uganda. Idi Amin oo lagu tilmaamo madaxweyne kali talis ahaa ayaa mar ahaan jiray madaxa jaamacadda Makerere ee caanka ka aha dalka Uganda." https://www.bbc.com/somali/war-61748470 +entertainment Atariishooyinka Bollywood-ka ‘oo ku tartamaya biyo loogu ekaado qof da’ yar’ "Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad loo hadal-hayay arrin ku saabsan jileyaasha dumarka ah ee Hindiya oo la sheegay in ay cabaan biyo uu midabkoodu yahay madow. Atariishada caanka ah ee Bollywood-ka, Kajal Aggarwal, ayaa dhowaan la arkay iyadoo gacanta ku heysata caag ay ku jiraan “biyo madow” xilli ay ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Mumbai. Weriyeyaasha ayaa waydiiyay waxa khaaska ah ee ay leeyihiin biyahaas. Way dhoollacaddeysay Kajal, waxa ayna ku jawaabtay “Kuwani xitaa waa biyo la cabo, hal mar isku day inaad cabtid. Waad ka heli doontaa adiga xitaa.” Markii la waydiiyay muddada ay isticmaaleysay “biyaha madow” waxa ay ku jawaabtay “muddo dheer”. Dhowr maalmood ka hor, atariishada kale ee lagu magacaabo Shruti Haasan ayaa sidoo kale baraha bulshada ku shaacisay in ay cabto biyaha madow. Waxa ay iska soo duubtay muuqaal lagu arkayay iyadoo heysata galaas ay ku jiraan biyahaas. Shruti ayaa inta uu muuqaalka socday tiri: “Markii ugu horreysay ee aan maqlay biyaha madow, waxay ila ahaayeen wax igu cusub. Run ahaantii, ma aha biyo madow, balse waa biyaha alkaline. Dhadhankoodu waa sida kan biyaha caadiga ah.” Horay waxa ay warbaahintu u tebisay in atariishooyin ay ku jiraan Malaika Arora, Urvashi Ratila iyo kuwo kale oo badan ay isticmaalayeen biyaha madow. Biyaha madow waxaa sidoo kale loo yaqaannaa “alkaline"" ama “alkaline ionized”. Sida ay sheegtay Majalladda EBCAM, waxa ay faa’iido u leeyihiin jirka  markii la sameeyo jimicsiga jirka ama uu qofku dhidid badan ka baxo. Waxay kordhiyaan qoyaanka gudaha jirka iyo tamarta unugyada. Warbixin ay soo saartay isla Majalladdan ayaa lagu sheegay in tijaabo sheybaar oo la sameeyay ay muujisay in biyaha madow ay gacan ka geystaan in hal meel lagu xaddido miisaanka jirka. Isticmaalkeeda biyahan waxa uu sidoo kale gacan ka geystaa fududeynta dheef shiidka caloosha. Dhanka kale, shirkadaha xayeysiimaha qaar ayaa sheegay in biyaha “alkaline” oo heerka aashitadooda uu ka sarreeyo 7 ay yareeyaan calaamadaha muujiya gabowga. Hase yeeshee, cilmi-baareyaasha lagu xigtay warbixinta Majalladda EBCAM ayaa sheegay in aysan jirin caddeymo dhinaca seyniska ah oo muujinaya arrinta ku saabsan in ay biyaha madow yareeyaan muuqaalka da’da. Shirkadaha xayeysiiya biyaha madow waxa ay sheegeen in ay ku daraan in ka badan 70 macdan oo kala duwan. Biyaha Madow waxa ay ka kooban yihiin macdano ay ka mid yihiin “magnesium” iyo “calcium” oo u fiican lafaha. Jirka bani’aadanka 70% waxa uu ka kooban yahay biyo. Sidaas darteed, waa lagama maarmaan in la cabo biyo badan si ay u gaaraan dhammaan qeybaha jirka, una sahlanaato in xubnaha oo dhan ay si fiican u shaqeeyaan. Biyuhu waxa ay sidoo kale jirka ka saaraan wasakhda uusan u baahneyn. Dhanka kalena, waxa ay isu dheellitiraan heer-kulka jirka, waxa ayna kaalin weyn ka qaataan helista macdanta aan u baahan nahay iyo cusbada. Waxaa intaas sii dheer in biyuhu ay wax badan ka taraan shaqada dheef shiidka iyo dhaqdhaqaaqa caloosha." https://www.bbc.com/somali/articles/c2xdvknex40o +sports Afar arrimood oo ku saabsan noloshii Yusuf Xaaji oo geeriyooday Waxaa magaalada Naiorbi ee dalka Kenya ku geeriyooday Allaha u naxariistee Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomalida ee dalka Kenya. Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa senetarka ismaamulka Gaarisa, ayaa waxaa geeridiisa BBC-da u xaqiijiyay xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo isna laga soo doorto magaalada Gaarisa. Qoyskiisa ayaa shaaciyay in maanta oo Isniin ah lagu aasi doono qabuuraha Musliminta ee Lanagata. Haddaba waa kuma Maxamed Yuusuf Xaaji? Magaciisa oo saddexan waa Maxamed Yusuf Xaaji wuxuu sanadkii 1940-kii ku dhashay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan Garissa, waxaana uu dhalay illaa 9 carruur ah. Waxaa caruurtiisa ka mid ah Nuuradiin Yusuf Xaaji oo imika ah dacwad oogaha guud ee Kenya, oo sanadihii dhawaa dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq. Yuusuf Xaaji waxaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta Soomaalida ee muddada dheer maamulka dowladda iyo siyaasadda Kenya ku soo jiray. Wasiirkii hore ee difaaca Kenya, Yuusuf Xaaji oo geeriyooday Muddo dheer ayuu guddoomiye gobol ahaa Waxaa uu shaqadiisa ka soo bilaabay guddoomiye degmo oo uu muddo dheer soo hayay. Sidoo kale, muddadii u dhexeysay 1970-kii illaa 1998, wuxuu ahaa barasaabkii gobolka Rift Valley, oo ah mid ka mid ah gobollada ugu waaweyn Kenya. Sidoo kale, wuxuu mar noqday barasaabka gobolka Xeebta ee Kenya oo xaruntiisu tahay magaalada Mombasa. Sannadkii 1998 wuxuu si magacaabid ah uga mid noqday baarlamaanka Kenya. Sidoo kale, wuxuu mar noqday wasiir ku xigeen, wuxuuna aad ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi. Sannadkii 2002-dii, ayuu u tartamay kursiga baarlamaanka ee deegaanka Ijaara oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa, wuuna ku guuleystay. Markii labaad ee loo doortay waxay ahayd sannadkii 2007-dii. Wasiirka gaashaan dhigga 8 bishii January 2008, Yuusuf Xaaaji, waxaa loo magacaabay wasiirka Gaashaadhiga Kenya, wuxuuna xilkaas hayay illaa tan iyo 2013-kii. Muddadii uu xilkaas hayay, waxay ahayd xilligii ay Kenya ciidammadeeda u gudbeen gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ururka Al-Shabaab. 8 bishii Janaayo 2012, ayaa Yusuf Xaaji loo magacaabay sii hayaha xilka wasiirka amniga gudaha dalka Kenya, ka dib markii uu shil diyaaradeed ku geeriyooday wasiirkii amniga George Saitoti. Senataorkii ugu horreeyay ee Gaarisa yeealato Doorashadii Kenya ee 2013-kii, ayuu noqday Yusuf Xaaji sanatarkii ugu horeeyay ee laga soo doortay Gaarisa, wuxuuna markale ku guuleystay isla kursigaas, sannadkii 2017-kii. Maxamed Yusuf Xaaji wuxuu guddoomiye u ahaa guddi loo xilsaaray in ay soo diyaariyaan qorsha wax looga badalayo dastuurka Kenya. Waxaa qorshahaasi lagu magacaabaa BBI, waana mashruuc isbadal ballaaran loogu sameynayo dastuurkii ay dadka Kenya u codeeyeen 2010. https://www.bbc.com/somali/war-55964842 +sports Ciyaartooyda u dhashay Jabuuti ee iska dhiibay Faransiiska "Saddex ciyaartooy oo ka tirsan xulka qaranka ee Jabuuti ayaa magangelyo ka codsaday dalka Faransiiska halkaas oo muddo toddobaad ah ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha ee Paris. Mid kamid ah ciyaartooydan ayaa loo ogolaaday in uu ka baxo garoonka, Nasrudin Cabdi Abtidoon ayaa ka baxay garoonka Orly ee Paris kadib markii uu ku guuldareystay in uu raaco diyaarad ku wajahneyd Morocco halkaas oo ay kula ballansanaayeen xulka qaranka Niger xilli ay socotay ciyaaraha isreeb reebka Koobka Adduunka. Horraantii bishan ayay aheyd markii xulka qaranka Algeria ay 8-0 kaga badiyeen Djibouti. Ciyaartooyda xulka qaranka Jabuuti ayaa sii maray Faransiiska si ay u gaaraan Morocco maadama Algeria ay xiriirka diblumaasiyeed u jartay dalalka ku yaalla waqooyiga Afrika, waxaana adkeyd in loo safro Morocco. Niger waxay ka badisay Jabuuti, waxaana Jabuuti xilliggaas guri u ahaa Morocco maadamada xiriirka kubadda cagta adduunka uu sheegay in Jabuuti aysan laheyn garoon u qalabeysan ciyaar caalami ah. Dhawaan ciyaartooyda kala ah Bilal Xasan iyo Abuubakar Cilmi ayay dowladda Faransiiska ku amartay inay isaga baxaan garoonka. Waxaana saddex ciyaartooy la siiyay muddo saacado ah si ay u gudbiyaan codsigooda si loogu ogolaado in muddo saddex bilood ah ay sii joogaan halkaas oo ay kiiskooda u gudbistaan. Hay'ad u doodo arrimaha xuququul insaanka oo caawineysay ciyaartooyda ayaa ka cabsi qabtaa in ciyaartooyda kala ah Bilaal Xasan iyo Abuubakar Cilmi oo u shaqeeya dowladda Jabuuti in la xiro isla markaana loo diido in magangelyo ay ka helaan dowladda Faransiiska loona tarxiilo Jabuuti. Abuubakar wuxuu ka tirsan yahay booliska Jabuuti halka sababta Bilaal Xasan uu u magangelyada uga raadsaday Faransiiska ay tahay in lagu khasbay in fuliyo amarro xilliggii uu ka tirsanaa ciidamada ilaalada madaxtooyada Jabuuti. ""Waxaa dhibaato u geysan doontaa dowladda, Xasan waxaa lagu khasbay arrin uu diidaana sida in uu soo xiro xubno ka tirsan qoyskiisa, marka waxay yiraahdeen masii wadi karno xiritaanka dadkeena"" waxaa sidaas yiri Jean-Loup Schaal, oo ah madaxa ururka xuquuqda aadanaha Jabuuti ee ARDHD. Jean-Loup Schaal wuxuu intaa ku daray in kadib guuldarradii ay ciyaartooyda Jabuuti kala kulmeen Algeria in ciyaartooyda ay cabsi ka muujiyeen sida ay noqon doonto xaaladdooda marka ay dib ugu laabtaan Jabuuti. BBC waxay isku dayday in arrintan ay wax ka weydiso xiriirka kubadda cagta Jabuuti balse uma suurogelin. Jabuuti ayaa kaalinta 182 kaga jirtaa shaxda xiriirka kubadda cagta ee adduunka." https://www.bbc.com/somali/war-58616359 +politics Air Force One : Sagaal sir oo ku saabsan diyaaradda madaxweynaha Mareykanka Sida uu yahay qorshaha dowladda Mareykanka marka la gaaro sanadka 2024 waxaa lagu wadaa in lasoo saaro diyaarad cusub oo nooca Airforce One ah oo qaada madaxweyne Joe Biden. Diyaaradda hadda uu raaca waa nooca Boeing 747 oo lamid ah midda lasoo saari doono inkasta midda cusub ay ka weynaan doonto dhanka dheererka iyo ballaca diyaaradihii hore ee madaxweyneyaasha Mareykanka. Hadda su'aasha waxay tahay maxaa looga cabsadaa diyaaradda Airforce One? Diyaaradda waxaa loo sameeyay sida diyaaradaha dagaalka ee militeriga, waxay awood u leedahay inay iska caabiso dhibaatada ka dhalan karta qaraxa ka dhasha Nukliyeerka, haddii diyaaradda lagu weeraro bambaano wax dhibaato ah masoo gaarayo madaxweynaha Mareykanka. Diyaaradda gudaheeda ayaa laga hagi karaa istaraatiijiyadda iyo qaababka dagaalka maadama diyaaradda uusan waxbo u dhimeyn qaraxa. Daaqadda diyaaradda waxaa ku wareegsan xarggo ka hortaggaya saameynta ka dhalata shucaaca, biriqda, kuleylka iyo dabka. Waa teknooloojiyad casri ah oo ay leedahay diyaaradda Airforce One gaar ahaan haddii shidaalka ka dhammaado iyada oo mareysa hawada sare in lagu shubi karo shidaal. Waxaa sharddi ah in marka diyaaradda lagu shubayo shidaalka, waa in la helaa diyaarad kale iyo booyad shidaal. Waxaa arrintan loogu magac daray howlgalka 'Boom' , shidaalka lagu shubayo diyaaradda waxaa si taxaddar leh ula soconaya duuliyaha. Diyaaradda qaadda madaxweynaha Mareykanka, waxaa gudaheeda lagu sameeyay adeeg kasta oo fududeynayo howsha. Waxay leedahay jaraanjar u gaar ah, diyaaradda uma baahna jaraanjarada la hordhigo diyaaradaha marka ay ka caga dhigayaan garoomada. Sidoo kale diyaaradda waxaa gudaheeda ku yaalla qalab qaada badeecadaha xamuulka ah si diyaaradda looga ilaaliyo in la saaro badeecado aanan la ogeyn waxa ay yihiin. Iyadoo diyaaradda qaab militeri ahaan loo sameeyay, waxaa lagu sameeyay qalab teknooloojiyad ah oo amniga xaqiijinayo. Diyaaradda waxaa lagu qalabeeyay aalado casri ah oo la socon karo dhaqdhaqaaqa cadowga iyo raadarada. Diyaaradda waxay iska difaaci kartaa madaafiicda ay soo tuuraan cadowga. Maxay yihiin waxyaabaha u gaarka ah diyaaradda uu ku safro Madaxweynaha Mareykanka? Maxay tahay sababta madaxweyne Donald Trump loogu qabsaday sawirkan? Maxay tahay diyaaradda uu Ruushka sameystay ee hurdada u diidday Mareykanka? Isgaarsiinta ayaa ah waxaa sida fudud lagu beegsan karaa xilliyada weerarka. Si loo ilaaliyo amniga isla markaana loo xaqiijiyo in aanan la carqaladeyn isgaarsiinta, diyaaradda Airforce One waxay awood u leedahay inay xaqiijiso in dhammaan isgaarsiinta aysan wax dhibaato ah soo gaarin. Digniinada ka imaanayo qalabka casriga ah ee qarsoon wuxuu horseedaya in si fudud loo ogaado halka ay ka timid xogta lasoo gudbiyay ee ku saleysan isgaarsiinta. Diyaaradda Airforce One waxay leedahay qeyb dhan oo qaabilsan isgaarsiinta taas oo madaxweynaha u fududeyneyso in si wanaagsan uu xiriir u sameeyo inta uu hawada ku jiro. Madaxweynaha wuxuu marka uu saaran yahay diyaaradda ka qeybgeli karaa shirar dhanka muuqaalka ah, wicitaanka muuqaalka ama in dadweynaha uu diyaaradda kala soo hadlo. Haddii madaxweynaha uu saacado badan ku qaata safarka wuxuu shaqadiisa qaranka ka qabsan karaa halkaas. Diyaaradda waxay leedahay xarumo qaabilsan bixinta adeegyada caafimaadka, waxaana ku sugan dhakhaatiir si loola tacaalo xanuunada. Waxaa diyaaradda saaran dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha iyo wasiirada. Marka ay timaaddo qorshaha caafimaadka diyaaradda waa mid si weyn ugu qalabeysan oo qaabili karta dhibaatada caafimaadka. Diyaaradda Airforce One waxay leedahay qalab casri ah oo aysan qaban karin isha banii'aadanka. Sidoo kale waxaa adag in militeriga ay ogaadaan qalabka casriga ah maadama lagu magacaabo Airforce One- waana mid kamid ah diyaaradaha sida weyn looga cabsado adduunka. Dad badan oo ku nool Mareykanka waxay aad u xiiseeyaan marka ay diyaaradda hawada gasho xilligga ay sido madaxweynaha isla markaana ay tageyso dalal kala duwan. Dad badan waxay ku tilmaamaan 'in Aqalka Cad ' loo raray hawada sare maadama xafiiska Madaxweynaha, xafiisyada shirarka iyo golaha wasiirada ay halkaas ku yaallaan. https://www.bbc.com/somali/57955398 +health Caafimaadka iyo Cudurka Corona: Dagaalkii 36 maalmood loogu jiray inuu hal nin neefsado """Waxaa laga yaabaa inuusan caawa gaarin. Xaaladdiisu si kadis ah ayey aad ugu xumaatay,"" sidaas ayey Dr Saswati Sinha ku tiri xaaska nin bukaan ah oo ay telefoonka kula hadleysay xilli ay kusii jeedday isbitaalka, iyadoo markaas sii mareysay waddooyinka lama dagaanka ku yaalla ee magaalada Kolkata, oo dhacda barida dalka Hindiya. Waxay markaas ahayd habeenkii 11-kii bishii April. Hindiya waxay ku jirtay xayiraad dhinaca dhaqdhaqaaqyada ah, oo looga hortagayay faafitaanka cudurka coronavirus. Ninka bukaanka ah, oo lagu magacaabo Nitaidas Mukherjee, wuxuu muddo ku dhow labo isbuuc isagoo cudurka Covid-19 la dhibaatoonaya ku jiray Isbitaalka magaalada ee la yiraahdo AMRI, halkaasoo Dr Sinha ay ka shaqeyso. Fayraska ayaa aad dhulka u dhigay ninkan 52 jirka ah oo ka shaqeyn jiray arrimaha bulshada, wuxuuna leeyahay hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo caawisa dadka hoy la'aanta ah iyo kuwa saboolka ah. Fiidnimadii ay taariikhdu ahayd 30-kii bishii March ayaa la geeyay Isbitaalka, isagoo ay qandho daran heysay, neefsashaduna dhibeysay. Markii isbitaalka la geeyay, waxaa la dhigay qeybta lagu daryeelo bukaannada liita, halkaas oo lagula xiray qalabka neefsashada caawiya. Dhakhaatiirtu waxay sidoo kale siiyeen dawada uu u qaadan jiray xanuunka macaanka, ama sokorowga, waxayna ka qaadeen baaritaanka Covid-19. Habeenkii xigayba waxaa la xaqiijiyay in Mr Mukherjee uu qabo cudurka corona. Wuxuu gaaray heer ay aad ugu sii adkaato neefsashada, oo xitaa la awoodi waayo in kabasho oo biyo ah afka laga siiyo. Markaas ayaa go'aan lagu gaaray in lagu xiro qalabka neefta siiya dadka ee afka qalaad lagu yiraahdo ""ventilator"". Muddo saddex isbuuc ka badan ayey qaadatay inuu mar kale soo miyirsado, muddo intaas kasii dheerna waxay ku qaadatay inuu ka maarmo qalabka neefta siinayay. Dad badan oo uu cudurka Covid-19 ku dhacay uma nasiib badneyn sida Mr Mukherjee oo kale. Qiyaastii afar meelood meel ka mid ah bukaannadii qalabka neefsashada lagu xiray ee magaalada New York waxay geeriyoodeen dhowrkii isbuuc ee ugu horreysay gudahooda, sida lagu muujiyay daraasad dhawaan lasoo saaray. Daraasad kale oo laga soo saaray Britain ayaa sidoo kale lagu sheegay in bukaannadii Covid-19 ee lagu xiray qalabka neefsashada ay ka dhinteen saddex meelood labo meel oo ka mid ah. Waxaa kale oo jiray warar sheegayay in qalabka neefsashada caawiya uusan waxba u tarin bukaannada Covid-19. Intii uu qalabka ku xirnaa Mr Mukherjee waxaa la siinayay dawooyin joojiya shaqada murqaha jirka, si uusan qofka isugu dayin inuu u neefsado si iskiis ah. Habeen ka mid ah bishii April, xaaladda ninkan ayaa kasii dartay. Qandhadii heysay ayaa sare usii kacday, garaaca wadnihiisa iyo wareegga dhiiggana way daciifeen. Dabcan ma jirin cid dooneysay inuu geeriyoodo, dhammaan shaqaalihii isbitaalkana waxay u howl galeen sidii ay u caawin lahaayeen. Markii ay Dr Sinha dib ugu laabatay Isbitaalka, waxay u tagtay dhakhaatiirtii kale oo Mr Mukherjee kula tacaalaya qeybta lagu daryeelo bukaannada halista ah. Muddo saddex saacadood ah ayey ku qaadatay inay xaaladdiisa kusoo laabato sidii ay ahayd markii hore. ""Tani waxay ahayd khibraddii iigu cajiibsaneyd ee isoo martay nolosheyda,"" ayey tiri Dr Sinha, oo 21 sano ka shaqeyneysay caafimaadka. 16 sano oo ka mid ah waqtigaas waxay si gaar ah uga howl galeysay qeybta lagu daryeelo bukaannada ay xaaladdoodu liidato. ""Daqiiqad kasta waxaa eegeynay qalabka lagula socdo xaaladdiisa, waxaana hubineynay inuu soo roonaanayo iyo inkale. Waxaan nafteyda ku dhahayay, waan u baahan nahay ninkan, ma dooneyno inuu dhinto. Xilligaas wuxuu ahaa bukaanka kaliya ee qabay Covid-19 ee ku jiray qeybta daryeelka khaaska ah,"" ayey tiri. Ugu dambeyntii, hal bil kaddib markii isbitaalka la geeyay Mr Mukherjee, xaaladdiisa ayaa soo hagaagtay, wuxuuna muujiyay calaamado caddeynaya inuu ka adkaaday cudurkii. Maalin Axad ah ayuu kasoo kacay miyir-beelkii uu ku jiray. Markii ay xaaskiisa kasoo wacday muuqaal, si toos ah uma uusan arki karin. ""Ma garaneynin muuqaal ahaan waxa socday. Indhaha waxba kama arkeynin. Waxaan u jeeday haweeney horteyda taagan, taasoo markii dambe aan ogaaday inay dhakhtaraddeyda ahayd,"" ayuu yiri Mr Mukherjee. Dabayaaqadii bishii April ayey dhakhaatiirtu si tijaabo ah uga fureen qalabka neefsashada, iyagoo eegayay inuu 30 daqiiqo kaligiis neefsan karo. Muddo hal bil ah kaddib, waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu iskiis u neefsado. Cabsi badan ayuu muujinayay markii laga furay qalabka, dhowr jeer ayuuna qeylo dhaan u diray dhakhaatiirta, isagoo u maleynaya inay neefta ku dhagtay. Markii la gaaray 3-dii bishii May, si buuxda ayaa looga dambiyay qalabka neefsashada, shan maalmood kaddibna waxaa loo diray gurigiisa. ""Runtii wuxuu soo maray xaalad aad u adag. 4 isbuuc ayey heysay qandho daran. kaligiis ma uusan neefsan karin. fayraska ayaa gaarsiiyay heer xun."" ayey tiri Dr Sinha. Hadda oo uu gurigiisa ku sugan yahay, Mr Mukherjee wuxuu billaabayaa nolol cusub. Wuxuu mar dhow awooday inuu socdo isagoo aan garabka laga heynin. Xitaa waxaa soo laabanaya qaar ka mid ah xasuustiisa." https://www.bbc.com/somali/war-52928096 +sports Waa kuma weriyaha caanka ah ee geeriyooday isagoo toos u tebinaya ciyaartii Argentina iyo Netherland ee xalay? "Suxufi caan ah oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa geeriyooday isagoo si toos ah u tabinaya ciyaaraha adduunka ee ka socda dalka Qatar. Grant Wahl, oo 48 jir ah, ayaa istaagga ka dhacay iyadoo waqtiga dheeriga ah uu bilaabmay ciyaartii Argentina iyo Netherland ee xalay. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in laga yaabo in uu wadno xanuun ku dhacay, balse taasi wali si rasmi ah looma xaqiijin. Bishii hore Mr Wahl waxaa muddo kooban xiray mas'uuliyiinta Qadar isagoo isku dayay inuu galo garoon isagoo xiran shaadh midabka qaanso roobaadka leh, taas oo uu taageero ugu muujinayay xuquuqda dadka la isku yiraahdo LGBT. Bayaan uu soo saaray Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay “ka naxeen” warka geerida weriyaha. ""Taageerayaasha kubbadda cagta iyo saxaafadda waxay waayeen Grant oo soo bandhigayay sheekooyin xiiso leh oo madadaalo leh oo ku saabsan ciyaaraha,"" ayay tiri. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay xaaska Mr Wahl, Céline Gounder, ku sheegtay inay ""naxsan tahay"", waxayna intaas ku dartay inay ""aad uga mahad celinayso"" taageerada ay ka heshay saaxiibbada. Mr Wahl ayaa dhalashadiisa 48-aad u dabaal-degay Khamiistii maalin un ka hor geeridiisa. Waxa uu Isniintii website-kiisa ku qoray in 10-kii maalmood ee la soo dhaafay uusan caafimaadkiisa wanaagsanayn sidaa darteedna uu isticaamalayo dawo antibiyootic ah taas oo uu isticmaalayay qabow looga shakiyay inuu haleelay. “Ugu dambeyntii jirkayga ayaa adkeynsan waayay, ” ayuu qoray. Tobankii maalmood ee la soo dhaafay qabowgii aan ciyaaraha ku soo tabinayay ayaa i saameeyay inkasta oo xanuunka qabwoga uu sare u kacaay ciyaartii Mareykanka iyo Netherlands, waxaana dareemayaa qeybta kore ee xabadkeyga cadaadis iyo culeys. “Ma qabin xanuunka Covid-19 oo baaritaan joogto ah ayaan sameeynayay, balse waxaan aaday xarun caafimaad waxayna ii sheegeen inay u badan tahay inaan qabo burukiito.” “Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta ee Adduunka Gianni Infantino ayaa sheegay in jacaylka uu Mr Wahl Kubadda Cagta u qabo ay tahay mid aan la soo koobi karin, waxa uu intaa ku daray in tebintiisa ciiyaaraha ay tebi doonaan dhammaan dadka daneeya ciyaaraha adduunka.” Weriyeyaal dhowr ah oo UK u dhashay ayaa taci u diray. Piers Morgan waxa uu Mr Wahl ku tilmaamay inuu ahaa “weriye maskax furan, halka weriye Henry Winter oo ka hawl gala warbaahinta Times sheegay inuu ahaa “nin fiicaan” oo khatar ku ah tebinya ciyaaraha. Weriyaha BBC-da ee ciyaaraha Dan Roan ayaa bartiisa Twitter soo dhigay: ” Grant Wahl waxa uu ahaa weriye caan ah oo aad loo qaddariyo.” Guddoomiyaha Major League Soccer Don Garber ayaa isna bartiisa Twitter ku qoray: “Aad ayaa una naxnay oo aan uga qalbi jabnay musiibada ku timid Grant Wahl. Waxa uu ahaa qof naxriis iyo qaddarin badan kaas oo aan la cabiri karin shaqadiisii tebinta ciyaaraha. Xiddigga ciyaarta Tennis-ka Billie Jean King ayaa sidoo kale tacsi u diray Mr Wahl waxa uuna ku tilmaamay inuu qareen u ahaa bulshada LGBTQ. Dhanka kale afhayeen u hadlay kooxda Qadar u qaabilsan qorsheynta Koobka Adduunka ayaa sheegay: “Aad ayaan uga naxnay dhimashada weriyaha Mareykanka ee Grant Wahl.”" https://www.bbc.com/somali/articles/cnkq31qzpydo +politics Shiinaha oo noqon doona dalka dunida ugu hodansan 2028-ka "Xarun cilmi-baadhiseed oo magac leh ayaa sheegtay in Shiinuhu yeelan doono dhaqaalaha ugu weyn dunida marka la gaadho sannadka 2028, oo uu sidaana ku dhaafi doono Marayknka muddo shan sannadood ah ka hor intii markii hore la saadaalinayey. Xaruntaas oo magaceeda loo soo gaabiyo CEBR xarunteeduna tahay Ingiriiska, ayaa sheegtay in safmarka korona iyo saamayntiisii dhaqaale ba u noqdeen Shiinaha sareedo lama filaan ah, waxaanay xaruntu intaa ku dartay in sidii xariifnimada lahayd ee Beijing u maaraysay saf marku ay ka dhigayso in Shiinuhu noqdo dalka wadamada dhaqaalahoodu buuran yahay ugu horeeya ee sannadka dambe uu kobci doono dhaqaalihiisu. Shiinaha oo si qarsoodi ah u ""dhexgalaya xukuumadda Biden"" Muxuu Mareykanka shirkadahan militari ugu daray diiwaanka madow? Warbixinta sannad laha ah ee xarunta oo Sabtidii la soo saaray ayaa lagu sheegay in ""wakhtiyada qaar arinta ka taagnayd dhaqaalaha dunidu ahayd loolanka dhaqaale iyo kartida beer laxawsiga ee u dhexeeyey Maraykanka iyo Shiinaha. Laakiin saf marka Covid-19 iyo saamayntiisii dhaqaale ay miisaanka u loodiyeen dhanka Shiinaha."" Waxaana hore loo odorosay in dhaqaalaha Shiinuhu celcelis ahaan kori doono 5.7% inta u dhaaysa sannadaha 2021 ilaa 2025, marka dambena hoos ugu dhici doono 4.5% sannadkii inta u dhaxaysa 2026 ilaa 2030. Walow sidoo kale loo badaninayey in Maraykanka dhaqaalihiisu aad u kobci doono sannadka 2021 laakiin waxa haatan la odorosayaa in kobacaa la filayey hoos ugu dhici doono 1.9% sannadkiiba inta u dhaxaysa 2022 ilaa2024 ka dibna uu hoos ugu sii dhici doono 1.6% wixii intaa ka dambeeya. Shirkadda Alibaba oo sheegtay inaysan beegsan doonin Muslimiinta Uighur Ciyaaryahan caan ah oo ka carooday sida shirkadda Huawei ay ula dhaqanto Muslimiinta shiinaha Xaruntu waxa ay sidoo kale sheegtay in dhaqaalaha Yurub 19% ka noqday dhaqaalaha 10 dal ee dunida ugu weyn sannadkii 2020, laakiin uu hoos ugu dhici doono 12% marka la gaadho sannadka 2035 ama intaa in ka sii yar hadii Ingiriiska iyo Midowga Yurub aad u kala fogaadaan. Xaruntaa daraasaadka ee CEBR waxa kale oo ay sheegtay in ay aad suurto gal u tahay in saamaynta saf markani ku yeeshay dhaqaalaha dunidu uu noqon doono sicir barar ee aanu ku koobnaan doonin oo keliya hoos u dhac." https://www.bbc.com/somali/55454297 +entertainment Bollywood: Maxaa kala heysta coronavirus iyo jilayaasha filimada ee Hindiya? "Iyadoo adduunka oo dhan uu u xayiran yahay cudurka Covid-19 awgiis, shirkadaha filimada sameeya ee dalka Hindiya waxay wajahayaan dhibaato xooggan oo dhinaca dhaqaalaha ah, maadaama filimadii shaqadooda laga kala dhaqaaqay shaleeymooinkiina ay xiran yihiin, xilli xiddigihii filimadana ay guryahooda ku xareysan yihiin. Haroon Rashid, oo ah wariyaha BBC-da u qaabilsan isgaarsiinta Aasiya ayaa ka warramaya saameynta gaartay Bollywood-ka. Bishii lasoo dhaafay xilligan oo kale, taageerayaasha Bollywood ee caalamka ku nool aad bay u faraxsanaayeen. Filimkii ugu dambeeyay ee uu hagay Rohit Shetty ayaa la sugayay in shaleemeeyinka laga daaro 24-kii March. Dadka sameeyay filimkaas, oo lagu magacaabo Sooryavanshi, waxay filayeen inuu si weyn uga gadmo suuqa filimada ee box office, sababtoo ah sii deynta filimka waxay si aan ku talagal ahayn ugu soo aadday maalin Hindiya ka ah fasax qaran. Laakiin halkii taas la filayay, waddanka oo dhan wuxuu maalintaas galay xayiraad 21 maalmood ah, si loo istaajiyo fiditaanka cudurka coronavirus. Siideynta filimka Sooryavanshi waxaa dib loogu dhigay waqti aan la cayimin. Waxaa sidaasoo kale nasiib darro ugu dhacday filimka 83 ee uu hagay Kabir Khan, oo ah filim laga sameeyay kooxda reer Hindiya ee ku guuleysatay koobka adduunka ee cricket-ka, waxaana jilayay lamaanaha dhabta ah ee kala ah Ranveer Singh iyo Deepika Padukone. Filimkaasna wuxuu ballansanaa 10-kii bishan April. Khan oo ka hadlayay channel-kiisa youtube-ka ayaa yiri; ""Arrintan aad bay niyad jab u tahay"". ""Runtii waxay faraha noo cuncunayeen inaan filimkaas u fasaxno caalamka. Laakiin xaaladdu waxay isu baddashay mid sida aan ku fakareynay ka weyn. Dunida oo dhan ayaa maanta xayiran, sidaas darteed waxay ila tahay daawasho filim waa laga muhiimsan yahay."" Coronavirus kaliya ma uusan saameynin filimadii la sii deyn lahaa. Atariishada lagu magacaabo Kangana Ranaut waxay duubeysay jilista filimkeeda cusub oo ay ka wadday gobolka ku yaalla koonfurta Hindiya ee Tamil Nadu, laakiin waxaa ku billowday amarka xayiraadda ah. ""Qorshuhu wuxuu ahaa inaan halkaas joogo 45 maalmood, balse nalooma oggolaanin inaan dad badan isku keenno. Duubistii ayaa la joojiyay anigana waxaan dib ugu soo laabtay Mumbai"", ayey tiri. Atariisha lagu magacaabo Deepika Padukone waxay sheegtay inay ""aad u nasiib badan tahay"" sababtoo ah waxay qorsheyneysay inay u duusho waddanka Sri Lanka, si ay halkaas uga billowdo duubista filimkeeda cusub, maalmo yar ka hor inta aan xayiraadda la galin. ""Arrinta fiican waa in aannaan ka bixin Mumbai. Kuma aannaan xayirmin meel kale. Waxaan garanayaa dad badan oo filimadooda gabogabo u ahaayeen oo isaga soo cararay,"" ayey tiri iyadoo la hadleysay wariye Rajeev Masand, oo dhawaan wareystay. Jilayaasha ayaa dhammaantood ku wada sugan guryaha, waxayna shaqooyinkooda ku qabanayaan gacmahooda, maadaama aysan jirin shaqaale la oggolyahay inay guryahooda kasoo baxaan. Qaarkood, sida Deepika Padukone iyo Katrina Kaif, weelasha ayey gacmahooda ku dhaqanayaan. Kuwo kale, sida Alia Bhatt iyo Hrithik Roshan, waxay baranayaan xirfado cusub. Kuwo kale oo ka mid ah jilayaasha waxaa lagu eedeeyay inay ""si dhab ah u qaadan waayeen"" xaaladda lagu jiro. Farah Khan, oo ka mid ah agaasimeyaasha filimada waxay muuqaal ay soo dhigtay instagram-keeda ugu hanjabtay inay ""xiriirka u jari doonto"" qaar ka mid ah saaxiibbadeeda caanka ah, haddii ay joojin waayaan ""muuqaallada jimicsiga ah ee ay soo galinayaan"". Waxay tiri: ""Waan fahmi karaa inay noloshiinna idiin toosan tahay oo aysan jirin wax aad ka walwaleysaan adduunkan uu cudurka safmarka ah qabsaday. Annaga inteenna badan waan ka walaacsan nahay xaaladdan xun."" Qarna waxay barahooda xiriirka bulshada u adeegsanayaan dhinaca wacyigalinta. Kartik Aaryan wuxuu soo bandhigay muuqaal ku saabsan wacyigalinta kala fogaandhaha Qaar badan oo ka mid ah atooreyaasha iyo atariishayaasha Hindiya waxay iyaguna ka qeyb qaadanayaan caawinta dadka uu saameynta dhaqaale ku yeeshay amarka xayiraadda ah ee uu sababay coronavirus. Akshay Kumar iyo Anushka Sharma waxay lacag macaawino ah ku dareen sanduuqa caawinta ee Ra'iisul Wasaare Narendra Modi, kaasoo lagu taakuleeyo malaayiin qof oo ka mid ah dadkii lacagaha maalinlaha ah ka qaadan jiray shaqooyinka ay qabtaan. Saaxiibbadood intooda badanna waxay bixiyeen lacago noocaasoo kale ah. Iyadoo hadda la isla dhexmarayo warar ku saabsan in lasii kordhin doono xilliga ay soconeyso xayiraadda, waxaa la filayaa in isbadallo waaweyn ay ku imaadaan Bollywood. Laakiin jilayaasha iyo agaasimayaasha Bollywood-ka waxay ka warqabaan in habsaanka ku yimid shaqooyinkooda ay ka darantahay saameynta dhibaato ee heysata dadka saboolka ah." https://www.bbc.com/somali/war-52270386 +sports Ciyaaryahan shaaciyey in uu qabo fayraska HIV "Kabtankii hore ee kooxda ciyaarta rugby-da ee Wales, Gareth Thomas ayaa shaaciyey in uu qabo fayraska HIV, asagoo sheegay in uu jabinayo ""Takoorka arrintaas"" ku xeeran. Wuxuu sheegay in uu doonayo in uu dadka tuso in dadka qaba HIV-ga si khaldan loo fahmay sida in ay yihiin ""dad geerida qarka u saaran"". Wuxuu kaloo sheegay in ay ""ceeb"" iyo ""baqdin"" tahay in uu qariyo xaaladdiisa. Kabtankii hore ee kooxda Lions ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacada ah uu BBC-da la wadaago barnaamij taxane ah oo uu uga hadlayo daawooyinka uu qaato. 45 jirkaan ayaa sheegaya in 2018-dii uu quustay oo uu dareemay sidii in uu dhimanayo oo kale. Wuxuu sheegay in ol'olihii siddeetamaadkii, ee dadka looga digi jiray in ay qaateen daawooyin ka hortagga Aids-ka ay dadka marin habaabiyeen. Hormarka laga sameeyey caafimaadka ayaa haatan u oggolaanaya dadka la nool HIV-ga in ay noolaadaan waqti dheer ayagoo caafimaad qaba. Haddii si wanaagsan loo daweeyo, la isma qaadsiin karo fayraskan. Thomas wuxuu maalin kasta kacaa 6:00 subaxnimo isla markaasna wuxuu qaataa daawo, asagoo booqanaya cisbitaalka dhiiggana iska cabbiraya lixdii biloodba mar, arrintaas oo keentay in fayraskaasi aanu saamayn weyn ku yeelan noloshiisa." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-49706209 +health Maxay yihiin calaamadaha kala duwan ee lagu arkay dadka uu in muddo ah hayo Covid-19? "Cudurka Koroona ayaa siyaabo kala duwan u qabanayaa dadka uu muddada dheer hayo Covid-19, waxaana dadkaas lagu arkaa afar calaamadood oo kala duwan, sida laga soo xigtay daraasad la sameeyay. Waxay arrintani daaha ka rogeysa su'aasha ah, maxay tahay sababta loo daweyn la'yahay caalaamadaha soo ifabaxayo ama loo aamin la'yahay? Waxaa dhici kartaa in dadka uu in muddo hayo cudurkan uu ku reebo xanuun dhanka maskaxda ah, sida uu sheegayo macadka qaran ee daraasaadka arrimaha caafimaadka ee UK. Waxay dadkan u baahan yihiin in la siiyo taageero dhanka caafimaadka ah- howlwadeenada caafimaadka waxaa loog baahan yahay in macluumaad xooggan ay arrintani ka heystaan. Inta badan dadka waxaa loo sheegay in muddo labo toddobaad gudahood ay kaga boogsan doonaan cudurka Covid-19 gaar ahaan marka uu sahlan yahay halka marka uu daran yahay looga boogsan karo ilaa 3 toddobaad. Balse warbixinada waxay sheegayaan in kumanaan qof ay weli la nool yihiin safmarka Covid-19. Kaddib markii wareysi lala yeeshay 14 qof oo in muddo ah uu hayay xannuunka, waxaa la ogaaday inay isku arkaan calaamado soo noq-noqday oo saameynayaa neefsashada, maskaxda, wadnaha, xiddidada dhiigga qaada, kelyaha, caloosha, beerka iyo maqaarkaba, sida ay muujineyso daraasad dhawaan lasoo bandhigay. Waa afar calaamadood oo kala duwan: Dadka inta badan uu ku raagay cudurka waxay in muddo ah jiifeen cisbitaalka gaar ahaan marka ay xaaladdoodu darneyd halka kuwa sida sahlan uu ugu dhacay cudurka aanan weligood la baarin oo aanan laga helin cudurka. Daraasadda waxay muujineysaa in arrintan ay dadka ka caawineyso inay helaan daryeel caafimaad. Madaxweynaha Venezuela oo raadinaya dad lagu tijaabiyo tallaalka coronavirus Liin dhanaan daawo ma u tahay coronavirus? Dawo dili karta cudurka corona oo “la helay” ""Waxaa iska cad in dadka qaar uu cudurka Covid-19 ku noqday xanuun muddo dheer ku qaata inay ka kacaan"" sida ay sheegeyso warbixinta. ""Waxay xaaladdan la xiriirtaa dadka kasoo kacaya cudurka ee cisbitaalka markii hore la geeyay halka dadka qaar ay sheegayaan in noloshooda ay wax iska baddaleyso isla markaana markii hore ay guryaha joogeen, waxay isku arkayaan calaamado kale"" Qoraaga warbixinta Dr Elaine Maxwel waxay sheegtay in markii hore ay u maleyneysay in dadka sida aadka ula il daran cudurka uu si weyn u saameyn doono balse ay xaaladda tahay in dadka uu sida fudud ugu dhacay cudurka in saameyntiisa ay weli noqon doonto mid sii heysa." https://www.bbc.com/somali/war-54564673 +health Daraasad lagu ogaaday in dumarka u badantahay in dhintaan marka ay qalliin ku sameeyaan dhaqaatiirta ragga ah. Maxay tahay sababta? "Maskaxdaada ka sawiro dhakhtar qalliin, oo labisan oo diyaar u ah inuu qalliin kugu sameeyo. Maxaad sawiraneya ma nin ama naag? Hagaag, haddii aad dumar tahay, runtii waa inaad ka fikirtaa in dhakhtarkaaga uu badbaadin karo noloshaada. Taasi waa sababta dumarku 32% ay aad ugu dhow yihiin inay dhintaan marka ay galaan qalliin uu sameeyay dhakhaatar lab ah marka loo eego dhakhaatiirta qalliinka sameeya ee dumarka ah sida lagu sheegay daraasad dhowaan la sameeyay. Halka jinsiga dhakhtarku uusan wax sameeyayn ku yeelan bukaanada ragga ah, cilmi-baaristu waxay sidoo kale muujisay in haweenku ay aad ugu dhow yihiin inay la kulmaan dhibaatooyin iyo in dib loogu celiyo isbitaalka 30 maalmood gudahood haddii dhakhtarkoodu uu ahaa nin. Laakiin waa maxay sababtu? Ninka hoggaaminayay daraasaddan (oo lagu daabacay joornaalka caafimaadka ee JAMA Surgery), Dr Christopher Wallis, weli ma hubo. Waxa uu BBC-da u sheegay in aanay ilaa hadda wax sharraxaad ah ka haynin natiijadan, balse ay ku hawlan yihiin. Markaa ka dib ayaan waxaanu dhakhaatiirta sameysa qalliinada kala duwan ee dumarka ah waydiinay fikradahooda ku aaddan sababta ay haweeneyda ugu badbaado gacmahooda marka ay qalliin ku sameeyaan. Aragtida xanuunka Daraasadu waxay lagu lagu tijaabiyay in ka badan 1.3 milyan oo bukaan ah oo ay daweeyeen 2,937 dhakhaatiir oo ah kuwa sameeya qalliinka oo ku sugan Ontaariyo, Kanada, laga soo bilaabo 2007 ilaa 2019. Waxaa la sheegay in daraasaddani tahay ""daraasaddii ugu horreysay ee isku dayda inay ka jawaabto su'aasha ah xiriirka ka dhexeeya is-waafajinta jinsiga dhakhtarka iyo bukaanka iyo sidoo kale natiijooyinka qalliinka"". Ma jirto hadallo qeexan oo ku saabsan sababta bukaannada dheddigga ah ay uga sii dari karaan dhakhaatiirta qalliinka sameeya ee ragga ah, laakiin waxay tilmaamaysaa sharraxaadaha suurtagalka ah ee suugaanta kale ee la heli karo. Mid ka mid ah soo jeedinta daraasadda oo sharxi karta natiijooyinka ayaa ah in uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya aragtida xanuunka ee dhakhaatiirta ragga ah iyo kuwa haweenka"". Dr Oneeka Williams, oo ku takhasustay cudurrada kaadi-mareenka oo ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Tufts ee Boston, USA, ayaa ku raacsan. Qalliin naadir ah oo lagu sameeyay canug aan dhalan Xaaska madaxweynaha Maraykanka oo qalliin gashay Ninka ugu dheer Tanzania oo dhirirkiisa owgiis qalliin loogu diiday Dr Jennifer Svahn, oo ah dhakhtar qalliinka xididdada dhiigga ee Jaamacadda Northwell Health ee New York, ayaa iyadana ku raacday. Waxay u malaynaysaa in heerka dhimashada ee sarreeya uu sababi karo in dhakhaatiirta qalliinka ee ragga ay aad ugu dhowdahay inaysan xoogga saarin welwelka iyo calaamadaha bukaanka sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in dumarka ay iska cabsi badan yihiin"". Mawqifyada labada dhinac Dr Nancy Baxter, oo ah dhakhtarka qalliinka mindhicirka ee St Michael's College Hospital ee Jaamacadda Toronto, ayaa sidoo kale aaminsan in ""dadku ay u nugul yihiin inay hoos u dhigaan xanuunka haweenka in ka badan xanuunka ragga,"" laakiin waxay soo jeedinaysaa in arrimo kale ay sidoo kale ay door ka ciyaari karaan. ""Markaad la kulanto qofka bukaan-socodka ah, go'aanno noocee ah ayaad dhakhtar ahaan qaadataa , yaad geynaysaa qolka qalliinka, waxaa jirta suurtogalnimo ah in ay jiraan kala duwanaansho u dhexeeya dhakhaatiirta qalliinka xagga jinsiga iyo sida loola dhaqmo bukaannada ragga iyo dumarka ah, "" ayay u sheegtay BBC-da. Laakiin haddana waxay sidoo kale tilmaamtay kala duwanaanshaha dabeecadaha ku wajahan dhakhaatiirta qalliinka ee ragga iyo dumarka. ""Inta lagu jiro qaliinka, waxaan ognahay in dhakhaatiirta qalliinka ee haweenka ah lagu ciqaabo natiijada xun, haddii ay dhacdo in ay hoos u dhacaan bukaannadii loo soo gudbinyay, waxay u badan tahay in aanan laga cafin khaladkaasi ay galeen halka dhakhaatiirka qallinka ee ragga ah loo sameeyo marmarsiyada in khaladkaasi uu uga dhacay nasiib darro."" ""Sidaa darteed dhakhaatiirta qalliinka ee haweenka ah waa inay si fiican u qabtaan shaqadooda si raggaasi dhaliishooda loo qiil dayaya ay ula mid noqdaan."" ayay tiri. Xiriirka dhakhtarka iyo bukaanka Dr Kim Templeton, oo ah dhakhtarka lafaha oo ka tirsan Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda Kansas, ayaa aaminsan in habka dhakhaatiirta qalliinka dumarka ay u wajahaan bukaankooda dheddigga ah ay ka caawin karto inay sharaxdo kala duwanaanshaha. ""Marka ay timaaddo Xiriirka dhakhtarka iyo bukaanka ayaa waxaa loo baahan yahay in bukaanada ay dareemaan furfurnaan marka ay dhakhtarka la wadaagayaan macluumaadka muhiimka ee hadhow gacan ka geysan kara qalliinka."" 'Waxaan u ekahay dhakhtar qalliin' Takoorka jinsiga ee meelaha ay ragga u badan yihiin ayaa muddo dheer la aqoonsaday waxaana laga yaabaa inay sabab u tahay haweenka inay ka tagaan xirfadaha ay jecel yihiin. Sannadkii 2015, dhakhaatiirta qalliinka dumarka ah ayaa sameeyay barta Twitter-ka olole ay ugu magac dareen ""#ILookLikeaSurgeon"". si ay arrintan uga hortagaan, gaar ahaan dumarka xirfadda leh ee loo saariyo shaqooyinka iska caadiga ah ee ay haweenka qabtaan. Dr Williams ayaa sheegtay in dhakhaatiirta qalliinka dumarka ay si joogto ah loogu takooro jinsigooda. ""Bukaanada iyo shaqaalaha intooda badan waxay u maleyaan inaan ahayn dhakhtarka qalliinka,"" ayay tiri. ""Male-awaalka ugu badan ayaa ah inaan ahay kaaliye caafimaad, xoghaye, ama cunte kariye."" Dheelitir la'aanta jinsiga Halka qoraaga hoggaamiyaha ah Dr Wallis uu carrabka ku adkeeyay in daraasada Ontaariyo ay muujinayso isbeddel heerka dadweynaha ah, oo aan macnaheedu ahayn in bukaanka dheddigga ah ay qasab ku tahay in ay ka liidato dhakhtarka qalliinka ee lab ah, daraasaddu waxay sidoo kale muujinaysaa xaqiiqda dhabta ah ee qalliinka - in ka badan 1.3 milyan. Fiona Myint, oo ah guddoomiye ku xigeenka Kulliyadda Royal ee Dhakhaatiirta Qalliinka ee England, waxay dareensantahay tahay baahida loo qabo hagaajinta dheelitirka jinsiga ee qalliinka. ""UK, ragga in ka badan dumarku waxay doortaan inay bilaabaan tababarka dhakhaatiirta qaliinka. Dumarku waxay ka yihiin 41% dhakhaatiirta fasalka hore laakiin kaliya 30% ee tababarayaasha sare iyo 14% lataliyeyaasha,"" ayay xustay." https://www.bbc.com/somali/war-60046500 +politics Madaxweynaha Kenya oo oofiyay mid ka mid ah ballamihii uu ka qaaday Soomaalida "Madaxweynaha Kenya, William Samoei Arap Ruto, ayaa markii xilkan loo doortay bil kahor, waxa uu Soomaalida iyo Muslimiinta kale ee Kenya u ballan-qaaday dhowr arrin, oo ay ku jirto inuu wax ka qaban doono dilalka aan kala sooca lahayn iyo dadka la waayo meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Ruto oo muddo toban sano ah ahaa madaxweyne ku-xigeenka Kenya, ayaa si dhaw ula socday cabashooyinka ay soo gudbin jireen waaliddiin iyo ehelo dadkoodii la dilay ama la waayay. Ballan-qaadkiisa ah inuu ku dedaali doono joojinta falalka dadka sida qarsoodiga ah loo kaxaysto ee mar qura la waayo iyo dilalka aan maxkamad loo marin, ayaa dad badan rajo-gelisay, taas oo fulinteeda uu ka dhabeeyay kaddib markii uu kala diray ciidamadii arrintaas lagu eedayn jiray. Bartamihii bishii Agoosto, markii la shaaciyay in William Ruto uu ku guulaystay doorashadii madaxtinnimada, ayaa wasiirka gaashaandhigga ee magacaaban ee Kenya, Aadan Barre Ducaale, oo saaxiib dhow la ah Ruto, ololaha doorashadana kula jiray, waxa uu BBC-da u sheegay inay kasoo bixi doonaan ballantii la qaaday. ""Maanta waxaan u sheegayaa ummadda Soomaalida ah sida aan ballan-qaadnay, arrinkii kibaandhaha iyo baasaboorka ee ummadda Soomaalida ah lagu kala soocayay iyo ummadaha Kenyaanka ah way dhamaan doontaa,"" ayuu yiri Ducaale ""Weliba waxaan sameynaynaa guddi soo baari doona raggii ka dambeeyay dilkii faraha badnaa ee lagu sameeyay ummadda Soomaalida iyo ummadda muslimiinta in dib loo baaro oo raggaas maxkamad la keeno, hooyooyinkii iyo haweenkii raggooda iyo wiilashooda ay maqan yihiinna dib loo keeno,"" ayuu sii raaciyay. “Waxaan wadnaa qorshe aan ku xoojinayno ammaanka gudaha Kenya, si aan uga hortagno inaan ku ceebayno dadka Kenyanka ah in ciidanka booliska ay shacabka dilaan, meydadkoodana lagu daadiyo webiga Yala iyo meelo kale,” ayuu madaxweynaha jamhuuriyadda Kenya, William Ruto yiri markii uu kala dirayay ciidamada gaarka ah ee booliska ee ka tirsanaa waaxda sirdoonka ee dalka. Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay isbeddelka dhanka hoggaanka, xilli maamulka cusub uu qorsheynayo inuu dib u habeeyo maareynta waaxda ammaanka ee dalka. Waxa uu sheegay in ciidammadaas uu kala diray ay mas’uul ka ahaayeen dilalka aan kala sooca lahayn iyo dadka la waayay ee markii dambe maydadkooda laga helay deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan sida tuulooyinka ka ag dhaw webiga Yala. Tallaabada madaxweynaha ayaa imaanaysa kaddib markii ay soo gaartay warbixinta baaritaan lagu sameeyay labo muwaadin oo u dhashay waddanka Hindiya oo la waayay iyo ninkii ay martida u ahaayeen oo waday gaari ay ku socdaalayeen. Warbixinta ayaa ku talabixisay in la kala diro qeybtan booliska ka tirsan si ay u sahlanaato in baaritaanka la dhammeeyo kahor inta aan galka dacwadda loo gudbin dacwad-oogaha guud ee Kenya. Kaddib markii la kala diray ciidamadii lagu magacaabi jiray Flying Squad ee booliska Kenya – kuwaas oo raadinta xogta sirdoonka ka sokow la tacaali jiray dambiyada ka dhaca gudaha dalka, ayaa horseedday in la sameeyo waaxdan gaarka ah ee booliska, taas oo lagu billaabay konton sarkaal oo si heer sare ah u tababaran. Qeybtan ayaa loo xilsaaray inay wax ka qabato dambiyada culus sida hubka wax lagu dhaco, afduubka iyo xatooyada baabuurta ee ka dhaca magaalada Nairobi iyo deegaannada ku xeeran, hase yeeshee, mas’uuliyaddoodu waxay inta badan ka gudubtay Nairobi. Waxaa loo igmaday inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha kale ee ammaanka si looga hortago dambiyada iyo inay keenaan xog sirdoon, iyo sidoo kale inay wax ka qabtaan dambiyada sida degdegga ah u dhaca. Waxaa jiray shaki ahaa in waaxdan booliska ay ku lug lahaayeen dilal aan kala sooc lahayn iyo dad Kenyaan ah oo la waayay, iyadoo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku taliyeen in baaritaan lagu sameeyo arrintaas. Bilihii Abriil iyo May ee sanadkii 2019, kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa wareysatay 35 qof, oo ay ku jiraan dad goobjoogeyaal ahaa, xubno ka tirsanaa qoyska dhibbaneyaasha, dhaqaatiir iyo howlwadeennada bulshada, dadka xuquuqda u ololeeya, iyo askar boolis ah oo uu ku jiro afhayeenka booliska ee Nairobi. Hay’adda ayaa warbixinteeda ku sheegtay inay si dhow ula shaqeysay hay’adaha ay shaqo wadaagta yihiin ee ka howlgala degmooyinka Dandora iyo Mathare ee magaalada Nairobi si loo aqoonsado dhibbaneyaasha iyo qoysaskooda. Waqtigaas qof ganacsade ah, booliskana warka u geeya ayaa hay’adda u sheegay in ciidamadu ay haystaan liis ay ku qoran yihiin dad ay qorsheynayaan inay dilaan oo ay ku jiraan tuugo, iyo weliba rag iyo dumar ay askartu is afdhaafeen. Human Rights Watch ayaa sidoo kale diiwaangelisay dilalka aan sharciga ahayn ee la xiriira rabshadaha doorashada iyo howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Nairobi, gobolka Waqooyi-bari, iyo gobolka xeebta. Waxaa la sheegay in cutubkan askarta booliska ay sidoo kale ku lug lahaayeen falal dambiyeed hub loo adeegsaday oo ka dhacay deegaanka Matu, halkaas oo ay ku weerareen shirkad gaaska ka shaqeysa, taas oo ay ka xadeen in ka badan 370,000 oo lacagta Kenya ah iyo kiisas kale. Askartaas ayaa markii dambe hub laga dhigay maxkamadna la geeyay. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International xafiiskeeda Kenya ayaa taageertay kala dirista ciidamadan, halka dhanka kale ay kula talisay booliska inuu dib u eego dhaqdhaqaaqyadii ciidamadii la kala diray oo ay meel fagaare ah uga jawaabaan eedaha ah in kooxdaas ay mas’uul ka aheyd dadka la waayay iyo dilka aan loo meel dayin ee lagula kacay dad badan oo laga shakisanaa ayay hay’adda xuquuqul insaanka ku daabacday barteeda Twitterka. Webiga Yala ee mara gobolka Nyanza ayaa sanadkii la soo dhaafay ay in badan hadal-haysay warbaahinta kaddib markii laga helay meydadka dad halkaas lagu daadiyay. Kaddib cabasho dadka Kenya ay ku soo bandhigeen baraha bulshada ee ku saabsan meydadka laga helay webiga, ayaa hay’adaha u doodda xuquuqda aadanaha oo ay ka mid tahay Haki Afrika, waxa ay tageen deegaanka Siaya ee Kenya si ay ula socdaan xaaladda. Hay’adda ayaa ku andacootay in maydadka 21 qof ay ka heleen qolka meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaankaas, kuwaas oo lagu xirxiray xarko, qaarkoodna jawaanno lagu xiray, halka qaarna uu jirka meelo ka go’naa. Hay’addu waxa ay sheegtay in ay ka xaqiijisay goobta meydadka la dhigo in bishii Oktoobar ee sanadkii tegay ay aastay sagaal meyd oo laga helay webiga oo lagu aasay hal qabri." https://www.bbc.com/somali/articles/cg38jxlw30yo +politics Trump iyo carruurtiisa oo dacwad lagu soo oogay "Donald Trump iyo saddex carruur ah oo uu dhalay ayaa waxay wajahayaan dacwad wax is daba marin ah kaddib baaritaan ka dhacay magaalada New York oo lagu sameeyay shirkadda qoyskooda - Ururka Trump. Waxay dacwaddu sheegeysaa inay ka been sheegeen qiimaha guri ay leeyihiin si ay u helaan deymo ayna u bixiyaan canshuur yar. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Ururka Trump uu ku kacay falal badan oo wax is daba marin ah intii u dhaxeysay 2011 iyo 2021. Mr Trump ayaa beeniyay eedeyntaas wuxuuna ku tilmaamay ""arrin kale oo loo soo maleegay"". Labo xubin oo sare oo Ururka Trump ka tirsan, laguna kala magacaabo Allen Weisselberg iyo Jeffrey McConney, ayaa ka mid ah kuwa dacwadda lagu soo oogay iyo sidoo kale madaxweynihii hore iyo carruurtiisa waaweyn, Donald Jr, Ivanka iyo Eric Trump. Dacwaddan ayaa waxaa soo gudbisay Xeer Ilaaliyaha Guud ee New York Letitia James, oo ah qareenka ugu sarreeya ee gobolkaas, kaddib saddex sano oo ay baaritaan sameyneysay. Xafiiskeeda awood uma laha inuu soo gudbiyo eedeymo dembi, balse waxay u sii gudbisay dacwad-oogayaasha federaalka iyo Waaxda Maaliyadda Gudaha. ""Isagoo caawinaad ka helaya carruurtiisa iyo xubnaha sare ee Ururka Trump, Donald Trump wuxuu si been abuur ah u kordhiyay dakhligiisa oo uu ku daray balaayiin doollar si uu si aan caddaalad ahayn isaga dhigo taajir una khiyaamo hannaanka,"" ayey tiri Ms James. Waxay sheegtay in aqalka gaarka ah ee Mr Trump ee ku yaalla daarta Trump Tower, oo lagu qiimeeyay $327m (£288m), uu ka mid yahay kuwa sida khaldan loo qiimeeyay. ""Guri ku yaalla magaalada New York weligii laguma iibin qiime kaas u dhow,"" ayey intaas raacisay Ms James. Ms James, oo dooneysa in dib loo soo celiyo lacag dhan $250m (£220m) oo ay sheegtay in la is daba mariyay, ayaa arrintan ku tilmaantay ""farshaxanka xatooyada"". Waxay ka codsaneysaa maxkamadda inay ka mamnuucdo madaxweynaha hore iyo carruurtiisa inay qeyb ka noqdaan ganacsi walba oo ka dhisan New York. Waxay sidoo kale dooneysaa in Ururka Trump laga mamnuuco in muddo shan sano ah ay ku lug yeeshaan ganacsiga guryaha. Arrintan ayaa imaaneysa kaddib markii Ms James - oo Dimuqraaddiga ka tirsan oo u taagan in dib loo doorto November - ay diidday ugu yaraan hal dalab oo looga codsanayay inay meesha ka saarto baaritaanka muddada dheer qaatay ee ay ku heysay dhaqamada ganacsi ee shirkadda Trump. Isagoo dacwaddaas ku shaaciyay bartiisaTruth Social, ayuu Mr Trump wuxuu Ms James, oo qof madow ah, ku tilmaamay inay tahay cunsuriyad. ""Shirqool kale oo ay waddo Xeer Ilaaliye kale oo cunsuri ah, Letitia James, oo ku guul darreysatay inay Barasaab  noqoto, oo aan wax caawinaad ah ka heleyn shacabka,"" ayuu bartiisa ku qoray. Bartiisa Twitter, ayuu Donald Trump Jr wuxuu isaguna Ms James ugu eedeeyay ""inay xafiiskeeda u adeegsaneyso inay ku beegsato dadka ay siyaasadda isku hayaan"". Bishii August ayuu Trump diiday inuu ka jawaabo su'aalo baaritaanka la xiriira oo la weydiiyay xilli wareysi looga qaadayay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud. Ms James ayaa sheegtay inuu dhowr jeer wax ka beddelka shanaad ee dastuurka u adeegsaday inuusan dembi isa saarin. Waxay intaa raacisay in Eric Trump uu sidaa si la mid ah sameeyay 500 oo jeer. Tristan Snell, oo ah qareen horena dacwad-ooge u ahaa haatanna ka shaqeynayay kiis kale oo ka dhan ah Jaamacadda Trump, ayaa BBC-da u sheegay in dacwaddan ay qaadan karto muddo sanad ah in maxkamad la geeyo. Balse waxay dacwaddan si xun u saameyn kartaa awoodda Trump ee ah inuu ganacsi ka sameysto New York, uuna ka faa'iido ganacsiyadiisa guryaha ee Magaalada New York. Waxaa ka dhalan kara cawaaqib xumo ba'an oo dhaqaale sida uu sheegay Snell. Dacwaddan waxay ka mid tahay dhowr arrimo sharciga ah oo uu wajahayo madaxweynaha hore. Taariikhdu markay ahayd 8-ddii August, waaxda FBI ayaa baaritaan ka sameysay gurigiisa ku yaalla Mar-a-Lago. Wuxuu sidoo kale baaritaan uga socdaa gobolka Georgia isagoo loo heysto laalidda doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii 2020. Sidoo kale wuxuu beeniyay inuu wax dembi ah ku leeyahay baaritaannadaas." https://www.bbc.com/somali/articles/c1wnq6jj39go +health Hooyo shaqada uga tagtay si ay ubadkeyga u Naas nuujiso "Hooya 25 jir ah oo ku nool dalka Kenya ayaa shaqadeedi dib uga laabatay kaddib marki ay 3 bilood shaqadeeda uga maqneed si ay u naas nuujiso. Xifadlayaasha caafimaadka waxay ku taliyaan in ilmaha naaska la nuujiyo 6 bilood oo xiriir ah balse hooyadan oo danyar ah waxay awoodi weyday muddadaa iney shaqada ka maqnaato. Seddex bilood markii ay ilmaheeda naas nuujisay ayey goobteeda shaqada ku laabatay. ""Shaqada inaan ku laabto waan ku qasabanaaday maxaa yeelay ma haysto dhaqaale aan shaqada uga maarmo. Balse haddii aan awoodi laha 6 bilood maahee sanad shaqa ma aadeen,"" ayey tiri Sophy Saronge. Sophy waxay sheegtay iney dareemeyso dambiilanimo maadaamaa ay ilmaheeda sida ku habboon ay u nuujin weyday. Dadka ku hareereysan Sophy waxay kula talinayeen iney go'aan khaldan qaadatay maadaamaa ay gabadheeda yar saameyneyso. Wakaaladaha caafimaadka dalka Kenya waxay hooyooyinka kula talinayaan 6-da bilood ee ugu horreya in ilmaha la siiyo caanaha naaska oo keli ah. Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay sheegtay ilmaha oo 6 bilood oo ugu horreeya caanaha naaska oo keli ah la siiyo ay ilmaha siineyso awoodda difaaca jirka ilmaha inuu sare u kaco cudurradana uu iska difaaco. ""Waana tallaalka ugu horreeya uguna wanaagsan oo cudurrada carruurnimada ilmaha ku haleelo looga hortago."" Inta badan hooyooyinka ku nool dalka Kenya ilmahooda si wanaagsan ayey u naas nuujiyaan inkasta oo 60% hooyooyinka duruufo haysto awgood ay ilmaha nuujinin wax ka badan 6 bilood. ""Gabadheyda waxaan siiyaa caanaha lo'da aniga oo og iney caanahaasi wax badan u tareyn jirkeedana si wanaagsan ula fal galeyn,"" ayey tiri Saronge. ""Habka ugu wanaagsan ee hooyada iyo ilmahaba waxtarka u leh wuxuu yahay iney hooyada hesho 6 bilood oo fasax ah mushaarkeedana la siinayo si ilmuhuna uu u helo 6 bilood oo naas nuujin xiriir ah,"" ayey tiri. Ruth Mumbi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka waxay sheegtay dowladdu iney daryeelin arrimaha dumarka oo loo baaahnaa in la kordhiyo fasaxa xilliga dhalmada oo hooyada umuleyso la siiyo si ay wakhti ku filan ugu hesho naas nuujinta ilmaheeda. BBC waxay la xiriirtay wasaaradda shaqada si ay uga jawaabto eedda dowladda loo soo jeedinayo. Waaxda cafimaadka ee wasaaraddana waxay sheegtay fasaxa seddexda bilood ee dumarka la siiyo iyaga oo mushaar qaadanaya xilliga ay dhalayaan uu yahay billow wanaagsan oo bogaadin mudan. Inkasta oo dowladda ay qorsheyneyn fasaxaasi iney dheereyso ilaa wax lagabaddalo sharciga shaqaalaha dalka Kenya u yaalla. Dadka wax falanqeeya waxay si weynu dhaliilaan madaxweyne Uhuru Kenyata inuu ku guul darreystay inuu saxiixo sharci uu baarlamanka 2016-kii meel mariyey oo dhigayey iney shirkadaha iyo xafiisyada ay diyaariyaan goob looga tala galay iney ilmahooda ku naas nuujiyan. 2019-kina markale ayaa dib u eegis lagu sameeyey hase yeeshee weli lama meel marin. Dalka Nambia ayaa ka mid ah waddamada Africa ee Tusaala wanaagsan loo soo qaadan karo oo hooyooyinka xilliga ay umulaan siiya fasax dheer oo ay ilmaha ku naas nuujiyaan dhiiirragelin ahaan u siiyo ilaa $20- $1,000 doolar. ""Caanaha naaska waxay kordhiyaan caqliga iyo maskaxda ilmaha iyo fahamka dabme ee waxbarashadaba,"" ayey tiri Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Caana naaska faa'idada ay ilmaha u leeyihiin ka sokoow waxay waxtar weyn u leedahay hooyada nuujineysa lafteeda, sida ay sheegtay cilm-baaris cusub oo la sameeyey. Cilmi-baadhis cusub ayaa daahfurtay in dumarka naaska nuujiya ay aad ugu yar yihiin inay ku dhacaan cudurrada wadnaha, dhiig-furanka, ama ay u dhintaan cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga, marka loo eego haweenka aan samaynin. Saynis yahano ku sugan Austria - oo eegay xogta in ka badan hal milyan oo hooyooyin ah - ayaa sheegay in naasnuujinta laba iyo toban bilood ama ka badan ay yarayso khatarta ah in ay ku dhacaan cudurradan. Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in daraasadihii hore ay ahaayeen kuwo aan waafaqsanayn xidhiidhka ka dhexeeya muddada kala duwan ee naas-nuujinta iyo khatarta cudurada wadnaha. Naasnuujinta sidoo kale waxaa lala xiriiriyay faa'iidooyinka kale ee caafimaadka hooyada, oo ay ku jiraan khatarta hoose ee sonkorowga, kansarka ugxan-sidaha iyo kansarka naasaha." https://www.bbc.com/somali/war-61775196 +politics Boqorka cusub ee UK oo jeediyay khudbadiisii ugu horreysay "Boqorka cusub ee UK Charles III ayaa sheegtay inuu “aad uga xun yahay dhimashada hooyadii, boqorad Elizabeth II, wuxuuna wacad ku maray inuu sii wadi doono howlihii ay qaranka u haysay. Wuxuu hadalkan jeediyay maanta oo Jimce ah isagoo jeedinayay khudbadiisii ugu horreysay tan iyo markii uu boqor nqoday. Wuxuu sheegay in hooyadii ay tusaale u ahayd isaga iyo qoyska dhanba. ""Hooyadeydii aan jeclaa waxaad billowday safarkaagii ugu dambeeyay ee aad  ugu tageysa aabahay, waxaanna ku oran lahaase: waad mahadsan tahay.” “ Waad ku mahadsan tahay jaceylka iyo huritaanka aad naftaada u hurtay qoyska iyo qaranka aad sanadaha badan u adeegeysay.” Dhaqanka boqortooyada Waxaa jira howlo - iyo dhaqamo - tallaabooyin ay tahay in la qaado si loo caleemo-saaro Boqorka. Maxaa loogu yeerayaa? Waxaa loo aqoonsayaa inuu yahay Boqor Charles III. Taas waa go’aanka ugu horreeyay ee Boqorka cusub. Waxa uu dooran karay mid ka mid ah afartiisa magac ee kala ah Charles Philip Arthur George. Isagu ma aha qofka kaliya ee wajahaya isbeddelka dhinaca xilka ah. Inkasta oo uu yahay dhaxal-sugaha boqortooyada, Amiir William si toos ah uma noqon doono Amiirka Wales - taas oo ahaan lahayd in uu aabbihii kala tashado. Waxa uu dhaxlay magaca aabbihii ee Duke of Cornwall - William iyo Kate hadda waxa ay noqonayaan Duke iyo Duchess-ka Cornwall iyo Cambridge. Waxa kale oo jirta jago kale o cusub oo loogu talagalay xaaska Charles, Camilla, oo Queen Consort - consort waxaa loo adeegsadaa xaaska boqorka. Munaasabadaha rasmiga ah Waxaa la filayaa in maalinta Sabtida ah Charles si rasmi ah loogu dhawaaqo inuu yahay Boqor. Tan waxay ka dhici doontaa Qasriga St James ee London, iyadoo ay goobjoog yihiin Golaha Accession. Goluhu waxay ka kooban yihiin xildhibaanno muddo soo shaqeeynayay, kuwaas oo isu jira qaar hore, kuwo hadda - iyo sidoo kale qaar ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee sare, Xubnaha sare ee dalalka Barwaaqo-sooranka, iyo Maayarka London. In ka badan 700 oo qof ayaa aragti ahaan xaq u leh inay ka soo qaybgalaan, laakiin marka la eego ogeysiiska gaaban, tirada dhabta ah waxay u badan tahay inay aad uga yaraaneyso. Munaasabaddii ugu dambeeysay ee 1952-kii, ilaa 200 ayaa ka soo qayb gashay. Kulanka, waxaa dhimashada Boqorad Elizabeth uga dhawaaqi doona Lord President of the Privy Council iyadoo cod sare lagu akhrin doono. Erayada ku dhawaaqista wax way iska beddeli karaan, balse dhaqan ahaan waxa ay ahayd duco iyo ballan-qaadyo is daba-joog ah, ammaanta Boqoraddii hore, iyo ballan-qaad wada-shaqeyn oo loo sameynayo Boqorka cusub. Ku dhawaaqistan waxaa markaas saxiixaya tiro dad ah oo jago sare haya oo ay ku jiraan raysul wasaaraha, Archbishop of Canterbury, iyo Lord Chancellor. Sidii caadada ahaydba, waxaa fiiro gaar ah loo yeelan doonaa waxa la beddelay, lagu daray ama la cusboonaysiiyay, taasoo calaamad u ah waa cusub. Khudbadda ugu horreysa ee Boqorka Boqorku waxa uu ka qayb galayaa shirka labaad ee Golaha Accession, oo uu weheliyo Golaha Privy. Tani ma aha ""Dhaarin"" oo billowgii boqortooyadii Ingiriiska, marka loo eego qaabka madaxda kale, sida Madaxweynaha Mareykanka. Taas beddelkeeda waxaa jirta khudbad uu jeedinayo Boqorka cusub, iyadoo la raacayo caadadii soo billaabatay horraantii qarnigii 18-aad - wuxuu samayn doonaa dhaar si uu u ilaaliyo kaniisadda Scotland. Kaddib marka la soo bandhigo turumbada, ogeysiis dadweyne ayaa lagu dhawaaqi doonaa in Charles uu yahay Boqorka cusub. Waxaa laga samayn doonaa balakoon ka sarreeya Maxkamadda Friary ee Qasriga St James's, waxaana samayn doona sarkaal loo yaqaan Garter King of Arms. Wuxuu oran doonaa: ""Ilaahay ha badbaadiyo boqorka"", iyo markii ugu horreysay tan iyo 1952-kii, heesta calanka waxaa lagu garaaci doonaa ereyada ""Alle ha Badbaadiyo Boqorka"" - ""God Save the King"". Xabbado maamuus ah oo lagu soo dhaweynayo Boqorka cusub ayaa laga ridi doonaa Hyde Park, Taawarka London iyo maraakiibta ciidamada badda, waxaana ku dhawaaqista Boqor Charles laga akhrin doonaa Edinburgh, Cardiff iyo Belfast. Munaasabadda la wareegista Qasriga ee Boqor Charles Meesha ugu sarraysa ee ku biirista waxay noqon doontaa boqornimada, marka Charles si rasmi ah loo caleemo-saaro. Sababo la xiriira diyaarintii loo baahnaa, munaasabadda la wareegista Qasriga ee Boqor Charles uma badna inay dhacdo isla markiiba, kaddib markii Charles uu ku soo biiray – Boqorad Elizabeth waxay boqorad noqotay bishii Febaraayo 1952-kii, laakiin taajka looma xirin ilaa Juun 1953-kii. Muddadii la soo dhaafay 900 oo sano ahayd waxaa lagu qabtay Westminster Abbey. Boqorkii ugu horreeyay ee halkaas taajka loogu xiro waxa uu ahaa William the Conqueror, halka Charles uu noqon doono Boqorkii 40-aad. Waa adeeg diimeed Anglican ah, oo uu fuliyo Archbishop of Canterbury. Dhammaadka xafladda, wuxuu Charles madaxa saari doonaa Taajkii St Edward oo ah taaj dahab ah oo adag, oo ka soo billowday sanadkii 1661-kii. Taajku waxa uu culeyskiisu garayaa ilaa 2.23 kiloo garaam. Si ka duwan aroosyada boqortooyada, munaasabadda boqorka dowladda ayaa bixinaysa kharashka, ugu dambeyntiina waxay go'aamisaa liiska martida. Madaxa Ururka Barwaaqo-sooranka Charles waxa uu noqday madaxa Ururka dalalka Barwaaqo-sooranka, oo ah urur ay ku midaysan yihiin 56 waddan oo madaxbannaan iyo 2.4 bilyan oo qof. Boqorku waa madaxa dowladda ee 14 ka tirsan dalalkaas iyo sidoo kale UK. Waddamadan, oo loo yaqaan 'Commonwealth realms', waa: Australia, Antigua iyo Barbuda, Bahamas, Belize, Canada, Grenada, Jamaica, Papua New Guinea, St Christopher iyo Nevis, St Lucia, St Vincent iyo Grenadines, New Zealand, Jasiiradaha Solomon iyo Tuvalu." https://www.bbc.com/somali/articles/cxreqwvl1gzo +sports Tababaraha koox ka dheesha horyaalka Premier League oo laga helay Fayraska Corona "Kooxda Arsenal ayaa laga joojiyay tababaradii ay qaadan jireen iyadoo ciyaartooydii u macalinku tabobarka siiyay ee u dambeyayna ay si iskood ah isku karantiileen. Maalinta Jimcaha ayaa loo qabanaya shir deg deg ah si looga arinsado isku aadka kulamada ee Horyaalka Premier League. ""Tani waa niyad jab balse waxaan is baaray kadib markii aan dareemay xanuun,"" ayuu yiri Spaniard Arteta. ""Waxaan si dhaqsi ah ku bilaaban doona shaqadeyda marki u caafimaadkeyga fiicnaado la'iina ogolaado inaan shaqadeyda ku laabto,"" ayuu yiri Arteta. Dad badan oo Australia ku soo dhaweeyay ciyaartoy qaxooti ah Mo Salah oo difaacay ciyaartoy lagu eedeeyay inuu xadgudub gaystay Waxa la filayaa in tiro badan oo iskugu jira ciyaarhanada kooxda iyo shaqaalaha kaleba ay si iskood ah isku Karantiilaan. ""Caafimaadka dadkeena iyo guud ahaan bulshada ayaa muhiim inoo ah, taasi ayaana diirada saareynaa,"" waxaa sidaasi yiri Vinai Venkatesham oo ah maamulaha kooxda Arsenal. ""Waxaan kula jirna wado hadal dadka ay arintan quseyso, si aan ugu xalino sida ugu haboon, hadi shaqaalaha caafimaadka ay inoo ogoladaanna waxaan ku laabaneynaa tabobaradeenii,"" Arsenal ayaa lagu waday in ay la ciyaarto maalinta Sabtida ah kooxda Brighton, ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League. Ciyaartoyga dhanka difaaca uga ciyaaro Manchester City Benjamin Mendy ayaa isna is karantiilay kadib markii qof ka mid ah qoyskiisa lagu arkay caalaamadaha Fayraska Corona. Seddax ka mid ah ciyaartooyda Leicester City ugu caansan ayaa iyagana lagu arkay calaamadaha feyraska Corona." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-51865804 +politics Loollanka loogu jiro cidda qabanaysa xilka raysul wasaaraha UK oo billowday "Liz Truss ayaa iska casishay xilka raysul wasaaraha UK, kaddib 45 maalin oo ay xafiiska joogtay, isla markaana uu jahawareer siyaasadeed hareeyay. Waxaa iscasilaaddeeda ay dhalisay in doorashadii labaad ee hoggaanka xisbiga la qabto afar bil gudahood. Waxaa durba billowday loollanka ay madaxda kala duwan ee xisbiga ugu jiraan qabashada xilka ay banneysay. Truss ayaa sheegtay in qofka beddeli doona la dooran doono toddobaadka soo socda. Boris Johnson ayaa ka mid ah mudaneyaasha la sheegay inay ka fiirsanayaan ka qeybgalka tartanka, balse wasiirka maaliyadda Jeremy Hunt ayaa sheegay in uusan damac ka hayn xilka. Sida uu dhigayo sharciga xisbiga, cid kasta oo ay rejo ka hayso hoggaanka ayaa u baahan doona inay xaqiijiso taageerada 100 xildhibaan si ay tartanka uga qeyb gasho - tani waxay ka dhigan tahay in ugu badnaan ay saddex murashax soo bixi karaan. Codeynta ugu horreysa ayaa loo qaban doonaa xildhibaannada, waxaana meesha laga saari doonaa qofka ugu codka yar, haddii ay soo baxaan saddex murashax. Haddii loo baahdo cod-bixin labaad, xildhibaannadu waxay awood u yeelan doonaan inay farta ku fiiqaan cidda ay doonayaan in ay hoggaanka xisbiga qabato. Haddii labada murashax ay door-bidaan inay ku sii jiraan tartanka, go'aanka kama dambaysta ah wuxuu tagi doonaa xubnaha xisbiga iyada oo loo marayo cod online ah. Truss waxay noqon doontaa raysul wasaarahii ugu waqtiga yaraa taariikhda Ingiriiska marka ay xilka ka degto. Ficliyan, waxay u badan tahay inay jiri doonaan labo tartame; ama xitaa mid un, kaas oo noqon kara hoggaamiyaha xiga iyadoo aanay u codeyn xubnaha baarlamaanka ee Tory. Ilaa iyo hadda ma jiro qof xaqiijiyay inuu isu soo taagayo xilka hase yeeshee wxaa jira murashaxiin loo badinayo inay loollamaan. Siyaasiyiinta la hadal-hayo waxaa ku jira Rishi Sunak oo tartamay xagaagii la soo dhaafay markii uu xilka ka degay Boris Johnson. Wuxuu tartan adag la galay Truss, isagoo taageerada ugu badan ka helay xildhibaannada Conservative-ka. Sunak wuxuu 2015 noqday xildhibaan ka soo baxay deegaan-doorashada North Yorkshire ee Richmond. Dadka kale ayaa kala ah Penny Mordaunt oo xildhibaanad ah, Boris Johnson oo ah raysul wasaarihii ka horreeyay Liz Truss, Ben Wallace oo sidoo kale xildhibaan ah iyo Kemi Badenoch oo ka mid ah dadka sida la-yaabka leh dhowaan ugu tartamay hoggaanka. Marwadan oo ku dhalatay koonfurta London waxay ku soo barbaartay Mareykanka iyo Nigeria. Waxaa kale oo magacyada soo galay Suella Braverman oo ah wasiir hore. Hoggaamiyeyaasha dalalka xulafada la ah UK ayaa uga mahadceliyay Truss wada shaqaynteeda, intii ay xilka haysay. Madaxweyneyaasha Mareykanka Joe Biden iyo  Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa sheegay in ay doonayaan in ay arkaan xasillooni siyaasadeed oo ka hirgasha Britain. Mid ka mid ah xildhibaannada Ukraine - Oleksiy Goncharenko - ayaa sidoo kale Truss uga mahadceliyay taageeradeeda, isagoo sheegay in ""Ukrain aysan waligeed illoobi doonin!"". Balse, dhanka Ruushka afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa soo dhaweysay iscasilaadda Truss , iyadoo sheegtay in Britain aysan waligeed soo marin waji gabax la mid ah midka raysul wasaaraha is-casishay. Tageeradeeda wasiirka maaliyadda, Kwasi Kwarteng oo soo bandhigay canshuur-dhimis gaaraysa 45 bilyan, toddobadakii saddexaad ayaa keentay qalalasaase siyaasadeed oo dhanka dhaqaalaha ah. Waxaa loo jeediyay eedaymo dhaqaale-xumo oo culus, waxayse ku adkeysatay in tallaabadaas ay qaadday ay sax ahayd. Mar dambe ayaa tallaabadaas laga noqday, xilkana laga eryay wasiirkii maaliyadda. Truss ayaa beddeshay raysul wasaarihii hore ee Ingiriiska Boris Johnson, lixdii bishii Sebteembar. Horay waxaa u dhacday in 119 maalin uu xilka hayay George Canning, kaas oo xafiiska ku geeriyooday sanadkii 1827." https://www.bbc.com/somali/articles/c2j0pkzxg99o +politics Hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan oo ku maadeystay dimuqraadiyadda doorashada Mareykanka "Ayatollah Ali Khamenei, oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan, ayaa qoraal uu Arbacadii soo dhigay bartiisa Twitter-ka ugu maadsaday xaaladda ay ku jirto doorashada Mareyaknka. ""Yaab badanaa! Qof ayaa sheegay in doorashada ay tahay tii ugu musuqmaasuqa badneyd ee soo martay taariikhda Mareykanka. Yaa yiri sidaas? Waxaa yiri madaxweynaha hadda xafiiska ku sugan. Ninka kasoo horjeeda wuxuu sheegayaa in Trump uu damacsan yahay inuu doorashada ku shubto! Sidaas ayey u shaqeeyaan Doorashada Mareykanka iyo Dimuqraadiyadda Mareykanka."" Ayuu soo qoray Khamenei. Hadalka Khamenei ayaa qabsaday baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta caalamka. Maalin ka hor ayuu hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan sheegay in natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Mareykanka ee 2020-ka aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin mowqifka Iiraan. Wuxuu ku adkeystay in qof walba oo kusoo baxaba aysan isbaddali doonin siyaasadda Tehran ee ku wajahan Washington. ""Siyaasaddeennu way caddahay. Isuma baddaleyso shakhsiyaad isbaddalay awgood,"" ayuu yidhi. ""Waxba nagama galin cidda baxeysa iyo cidda imaaneysa toona."" Donald Trump ayaa ""cadaadis heerkii ugu sarreeyay ah"" saaray Iiraan tan iyo markii uu sanadkii 2018-kii waxba kama jiraan kasoo qaaday heshiiskii nuclear-ka ee Tehran lala galay intii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Obama. Ninka hadda loollanka adag kula jira, Joe Biden, ayaa sheegay in haddii uu xilka madaxweynaha ku guuleysto uu dib u milicsan doono heshiiskaas, ayna suuragal tahay inuu dib u soo nooleeyo. Markii heshiiskaas laga wada xaajoonayay sanadkii 2015-kii, Biden wuxuu madaxweyne ku xigeen u ahaa Barack Obama, wuxuuna goob joog u ahaa go'aankii cunaqabateynta looga khafiifiyay Iiraan. Tallaabadaas baddalkeeda waxaa Tehran laga dhowrayay inay joojiso bacriminta barnaamijkeeda nuclear-ka. Tartan adag ayaa wali ka taagan doorashada Mareykanka, labada musharrax ee kala ah Donald Trump iyo Joe Biden ayaana ku loollamaya tirooyin aad isugu dhow. Gobollo dhowr ah ayaa wali xisaabinaya codadkii doorashada laga dhiibtay, iyadoo kooxda Trump ay tallaabo sharci ah u qaadeen inay joojiyaan tirinta codadka. Donald Trump iyo Joe Biden mid walba wuxuu sheeganayaa inuu ku horreeyo doorashada, inkastoo wali natiijo rasmi ah iyo mid hordhac ahba aan la shaacinin. Kooxda ololaha Trump waxay hadda xoogga saarayaan inay maxkamad ku hakiyaan tirinta codadka gobollada kala ah Nevada, Wisconsin, Georgia, Pennsylvania iyo Michigan. BBC-da ayaa xaqiijisay in Mr Biden yy ku guuleystay gobolka Michigan. Warbaahinta Mareykanka ayaa iyana soo tabiyay inuu hantay gobolka Wisconsin. Ma jirto wax natiijo ah oo ilaa hadda kasoo baxday gobolka Pennsylvania. In uu dhammaan gobolladaas ku guuleysto Biden waxay u suuragalineysaa inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalka Mareykanka. Musharraxa xisbiga Dimuqraaddiga waxa uu sidoo kale hadda hoggaaminayaa gobollada Nevada iyo Arizona, isagoo marba marka ka dambeysana soo gaabinaya tirada codadka uu Mr Trump uga horreeyo gobolka Georgia. Mr Biden wuxuu afkiisa ka celiyay inuu guul sheegto, laakiin wuxuu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo inuu ka guuleysanayo musharraxa kasoo horjeeda ee xisbiga Jamhuuriga. Isku darka dadkii u soo baxay codeynta doorashada ee dhacday Talaadadii ayaa ahayd 66.9%, waana tii ugu badneyd ee Mareykanka laga arko muddo 120 sano ah, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta doorashada." https://www.bbc.com/somali/war-54828836 +politics Imran Khan oo farta ku fiiqay dad uu sheegay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu dhaawacay "Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa khudbadiisii ​​ugu horeysay jeediyay tan iyo markii la toogtay xilli uu ka qeyb galayay isu soo bax ka dhacay magaalada Wazirabad ee bariga dalkaasi. Isagoo ku fadhiya kursiga loogu talagalay dadka lixaadkooda kala dhiman yahay isbitaal ku yaal Lahore, Mr Khan wuxuu sheegay inuusan ka badbaadeen toogashada haddii labada qof ee weerarka fuliyay ay ""si darandoori ah u ridi lahaayeen rasaasta"" . ""Maadaama aan dhacay, mid ka mid ah kuwii toogashada geystay ayaa u maleynayay inaan dhintay, wuuna uu ka tagay goobta,"" ayuu yiri. Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa ku eedeeyay madaxwaynaha imika xilka haya, Shehbaz Sharif, inuu ku lug lahaa shirqool la doonayay in lagu dilo. Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo madaxa sirdoonka dalkaasi Faisal Named Naseera ayuu sidoo kale Mr Khan sheegay inay maleegeen shirqool isaga lagu dilayo. ""Saddexdan waxay go'aansadeen inay i dilaan,"" ayuu yiri Mr Khan. Dowladda Pakistaan ayaa beenisay eedeynta uu Mr Khan soo jeediyay. Dhankooda sarakiil u hadashay militariga Pakistan ayaa waxay beeniyeen eedeynta Mr Khan.\n\nRa'iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa dhanka kale sheegay in dibadbaxyada ay sii socon doonaan ilaa saddexdani masuul ay xilka ka dagaan. Wuxuu ka dalbaday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka janaraal Qamar Javed Bawjoh in tallaabo laga qaado 'dadka xun-xun' ee ciidanka ku jira. Waxa uu sidoo kale ka dalbaday madaxa cadaalada dalka Pakistan in uu xaqiijiyo cadaaladda dhacdadan. Bishii hore, guddiga doorashada Pakistan ayaa Mr Khan ka mamnuucay inuu qabto xafiis dowladeed, taasoo uu ku tilmaamay ciyaaryahankii hore ee Cricket-ka mid siyaasadeed. Maxaa dhacay Khamiistii? Isu soo bixii xisbiga Imran Khan oo ka soo billowday Lahore kuna socday Islamabad ayaa gaaray Gujranwala oo ka tirsan gobolka Punjab. Kumannaan qof ayaa la socday kolonyadan.Imran Khan ayaa saarnaa gaari korka ka banaan isaga iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga. Ka dibna qof ayaa bilaabay inuu rasaas furo. Markii dambe waa laga itaal roonaaday ninkii weerarka geystay, waxaana ku dhawaacmay 14 qof ayaa ku dhaawacmay, hal qofna waa uu ku naf waayey. Taas waxaa barbar socday, Imran Khan ayaa sidoo kale lugta laga toogtay. Imran Khan ayaa isla markiiba la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lohar, halkaasoo lagu sameeyay qalliin xalay xilli dambe, waxaana hadda la sheegay inuusan dhaawaciisa halis ahayn." https://www.bbc.com/somali/articles/crgn74p4yydo +technology Shirkadda leh Facebook ee Meta oo kumannaan qof shaqada ka cayrineysa "Meta, oo iska leh Facebook, Instagram iyo WhatsApp, ayaa ku dhawaaqday inay dhimayso 13% shaqaalaheeda. Shaqo ka eryiddaan oo ah tii ugu horreysay ee taariikhda shirkadda ayaa keeni doont in 11,000 oo shaqaale ah, oo ka soo jeeda tirada guud ee adduunka oo dhan 87,000, ay waayaan shaqooyinkoodii. Madaxa fulinta ee Meta ayaa mar uu ka hadlayay shaqaale dhimistan waxaa uu yiri "" waa isbeddelkii ugu adkaa ee aan sameynay taariikhda Meta"". Arrintaan ayaa daba socota, tallaabooyin shaqo joojin ah oo waaweyn oo ka dhacay shirkadda Twitter-ka, iyadoo shaqada laga eryay kala bar shaqaalaheeda, iyo shirkadaha kale eoo dhanka teknolojiyadda ah . ""Waan ogahay in tani ay ku adag tahay qof walba, waxaanan si gaar ah uga xumahay kuwa ay saamaysay,"" ayuu ku qoray bayaanka uu soo saaray Mark Zuckerberg . Mr Zuckerberg ayaa arrimahaan u sababeeyay mustaqbalka fog ee ku saleysan kobaca iyo kororkii dakhliga ee shirkadda intii lagu jiray cudurka faafa ee corona. Wuxuu intaa ku daray ""hoos u dhac dhaqaale"" iyo ""tartanka oo kordhay"" ayaa sababay in dakhligu aad uga hooseeyo sidii la filayay.” ""Arrintaan waan ku khaldamay, mas'uuliyaddeedana anigaa qaadaya,"" ayuu yiri.Ku dhawaaqistan shaqo dhimista ayaa ah mid si weyn loo filayay. Mr Zuckerberg ayaa u sheegay boqolaal ka mid ah madaxda Meta qorshahaan Talaadadii,  sida u uku warramay Wall Street Journal. Mudnaanta Mr Zuckerberg ayaa sheegay in shirkadu ay diiradda saari doonto dhinacyada kobaca mudnaanta sare leh, sida sirdoonka xayaysiinta, iyo ""aragtidayada fog ee wax-soo-saarka"". Meta waxay sidoo kale dhimi doontaa kharashaadka meelo kale - oo ay ku jirto dhimista kharashkeeda dhismayaasha iyo xafiisyada. Shaqaalaha Meta ee arrintaan ay saamaysay waxay heli doonaan Emaillo dhawaan, sida uu sheegay Mr Zuckerberg , waxayna sidoo kale heli doonaan fursad ay su'aalo ku waydiiyaan. Shaqaalaha Maraykanku waxay heli doonaan lacag-xaq ah, iyo caymiska caafimaadka qoyska muddo lix bilood ah. Taageerada ka baxsan Mareykanka waxay ahaan doontaa mid la mid ah tan, laakiin waxaa jiri doona nidaam shaqo dhimis gaar ah iyadoo la tixgelinayo sharciyada shaqada  ee maxalliga ah. UK iyo Ireland Meta xarunteeda Yurub waxay ku taalla magaalada Dublin, halkaas oo sida laga soo xigtay warbixinnada maxalliga ah ay si toos ah uga shaqeeyaan 3,000 oo qof iyo qandaraasleyaal kale oo badan. Xog la helay ayaa sheegaysa in shirkadda Meta ay 5,000 qof  ka shaqaaleysiiyay UK bishii December ee sanadkii 2021. Laakiin Meta ayaa ilaa hadda diiday inay shaaciso tirada shaqaale dhimista ah ee ay ku samayn doonto labadan dal. Kevin Poulter, oo ah qareen ka tirsan shirkadda Freeths, ayaa sheegay inay muhiim tahay Meta inay raacdo hannaanka sharciyada UK ee shaqo joojinta. Waxa uu BBC-da u sheegay in kalsoonida lagu qabo suuqa shaqada ee tignoolajiyada iyo fursadda ay si xor ah oo fudud ugu dhex mari karaan shirkadaha. Waxa uu ka digay in ""haddii hormoodka shirkadaha ah ee Twitter iyo Meta ay hadda ay sameeyaan arrimahaan oo mustaqbalka aaney si taxadar leh uga fiirsan , kuwa kalana ay u badan tahay inay raacaan wadadaas"". Hoos-u-dhac ballaaran Qorshayaasha shaqo dhimista ah ayaa daba socda dhibaatooyinka guud ee soo wajahay shirkadaha tignoolajiyada iyadoo sidoo kale warshaduhu ay la tacaalayaan hoos u dhaca kobaca dhaqaalaha adduunka. Shirkadaha Silicon Valley Stripe iyo Lyft ayaa dhawaan ku dhawaaqay shaqo joojin ballaaran, halka Amazon ay sheegtay inay joojin doonto shaqaalaysiinta xafiisyadeeda. Inta badan dakhliga Meta ee $27.7 bilyan, ah wuxuu ka yimaadaa xayaysiinta, laakiin xaaladaha dhaqaale ee adag shirkado badan ayaa jaraya miisaaniyada xayeysiinta." https://www.bbc.com/somali/articles/czk1vj41xgno +religion Dalka gabdhaha Muslimiinta ah shaqooyinka loogu diido xijaabka dartiis "Tabassum (ma aha magaceeda saxda ah) waa dhakhtar ka timid Mumbai. Markii ay dhamaysatay waxbarashadeeda caafimaadka, waxay shaqo ka dalbatay isbitaallo iyo xarumo caafimaad oo dhow ah. Dhibco sare ayay heshay markii ay ka qalinjebinaysay caafimaadka. Taas darteed, waxay rajeyneysay in ay shaqo u heleyso si dhaqso leh. Hay’ado 10 ilaa 12 ah ayay shaqooyinka codsatay, middoodna kama aysan helin wax jawaab ah. Waxay u haysatay in sababta aysan shaqooyinka u helin ay ahayd tartameyaasha kale oo ka aqoon badan ama ka waayo-aragsan. Barafasoorkeedii jaamacadda oo isaguna Muslim ah ayaa maalmo kaddib kala hadlay xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay. “Xaaskiisu waxay igu tiri xijaabka aad xiran tahay wuxuu keeni karaa in bukaannada qaar ay ku diidaan, marka ha filan inaad halkan shaqo ka heli doonto,” ayay tiri. Waxay sheegtay in markaas ay ogaatay sababta ay shaqooyinkii hore u heli waysay. Nayla (magaceeda waa la beddelay) oo ka timid magaalada Lucknow ee waqooyiga Hindiya waxaa qof ku sugnaa qeybta soo dhoweynta ee iskuul ay shaqo ka codsatay uu u sheegay inay iska dhigto marada madaxa u saaran haddii ay rabto inay halkaas ka shaqeyso. Waxay tiri, “Waxaan ku iri, haddii ay taasi tahay siyaasaddiinna, waxay ahayd in lagu xuso shuruudaha codsiga shaqada.” Waxay sheegtay in maalmo kaddib laga soo wacay iskuulkii si loogu ballamiyo imtixaanka, balse ay diidday maaddaama ay ogeyd in aan la shaqaaleyneyn. oo lagu weydiistay inaad qaadato warqadda wicitaanka imtixaanka. Halkaas ayaan joogay. Dhanka shaqada, gabdhaha muslimiinta ah, gaar ahaan kuwa xirta xijaabka, waxay inta badan sheegaan in la takooro marka ay shaqo helaan. Haweenka Muslimka ah ayaa aad uga hooseeya bulshooyinka kale dhanka waxbarashada. Tiro ahaanna aad bay ugu yar yihiin meelaha  laga shaqeeyo. Dhowaan hay’ad lagu magacaab ‘Lead By’ ayaa soo bandhigtay warbixin sheegeysa in 47 boqolkiiba gabdhaha Muslimka ah lagu takooro shaqooyinka, taas oo ah tirada gabdhaha muslimka ah ee shaqo raadsada. Ku dhowaad ​​kalabar gabdhahaas ayaan shaqo helin, iyadoo ay sababtu tahay inay muslimiin yihiin. Dr. Roha ayaa sheegtay in ay sameeyeen daraasad ay u adeegsadeen hab cusub. Waxaa la diyaariyay hal codsi oo shaqo iyo CV isku mid ah oo mid lagu qoray Xabiiba Cali, kan kalena Priyanka Sharma. “Waxaa jiray kun codsi oo midkiiba lagu qoray magaca Xabiiba iyo Priyanka Sharma oo shaqooyin kala duwan lagu codsaday iyadoo loo dirayo dhowr shabakado internetka ah oo shaqooyinka raadiya. Codsiyadan kuma jiraan sawirrada gabdhaha,” ayay tiri. Gabadha magaca Hindida ah loo qoray ee Priyanka waxaa la soo xiriirtay oo weliba soo wacay 208 goob, halka Xabiiba ay la soo xiriireen 103 keliya, waxaana soo wacay shirkadaha u dhaxeeya shaqo-doonka iyo shaqo-bixiyaha. Arrin kale oo ka soo baxday daraasaddan ayaa ah in heerka takoorka lagu hayo dumarka Muslimiinta ah uu hooseeyo Waqooyiga Hindiya oo heerkani uu ahaa 40 boqolkiiba. Halka ay ahayd 59 boqolkiiba Galbeedka Hindiya iyo 60 boqolkiiba koonfurta. Dr. Roha ayaa sheegtay in daraasaddan ay  tahay tii ugu horeysay ee dib-u eegis ku sameysa caqabadaha  shaqooyinka ka haysta gabdhaha Muslimiinta,balse “ma ahan ayay tiri mid dhamays tiran”. Siyaasaddeenna oo keliya maaha ee sidoo kale bulshadeennu waa Muslim-diid"" Dad badan ayaa sidoo kale ka faallooday warbixinta daraasadda oo cinwaan looga dhigay 'eexda shaqaaleysiinta'. Isaga oo ka jawaabaya, Amit Verma ayaa waxa uu qoray, ""Waxay muujinaysaa in aanay siyaasaddeena oo keliya ahayn balse sidoo kale bulshadeennu ay tahay mid ka soo horjeeda Muslimiinta."" Qof kale ayaa isna qoray in ""daraasaddani ay si macquul ah u soo saartay hab-dhaqanka ka soo horjeeda Muslimiinta ee goobta shaqada."" ""Tani waa sahan indho-furan,"" Amna ayaa qortay. Haweenka Muslimka ah ayaa la kulma takoorid dhanka warshadaha iyo heer kasta." https://www.bbc.com/somali/articles/c0w7373g6nqo +health Fayraska Corona: Waa tuma haweeneyda dhexda u xiratay helidda daawada Covid-19? """Waa in aan aad u shaqeynaa, walibana si dhakhsi ah,"" ayay tiri barafasoor Sarah Gilbert oo la hadleysay BBC. Haweeneydan seynisyahanka ah ee katirsan jaamacadda Oxford waxay dareensan tahay in ay aad u boobsiineyso, si ay hesho dawada fayraska Corona loogana hortago faafidiisa. Cudurkan ayaa saameeyay dad ka badan 16 milyan oo qof, waxaana u dhimatay 630 kun oo qof. Sarah iyo 300 oo qof oo isku shaqo ay yihiin waxay ka soo gudbeen wado dheer oo ay tahay in loo maro sameynta dawada corona, taas oo caadiyanba qaadata shan sano. ""Waxaan hadda shaqadaas ku soo qabanay muddo afar bilood ah"", ayay tiri. Balse hadda, guulaha ay gaareen waxay u muuqdaan kuwa miradhal ah. Helitaanka dawada Coronaviru ayaa ah middaxilligan loogu baahida badan yahay caalamka. Inkastoo dedaalka ay wadaan aysan ka dhigneyn in dawadaas la isticmali doonaa kahor dhammaadka sannadkan, haddana waxay ku rajo weyn yihiin in tallaalka xanuunkan la heli doona kahor wakhtiga loo asteeyay. Dunida oo weli tijaabineysa dhowr dawo oo la sheegay inay waxtar leeyihiin, ayaa haddana kooxda Oxford waxay wajahayaan tijaabo adag. Sarah Gilbert waxay hogaamineysaa dedaallada lagu raadinayo tallaalka fayraska Corona. Kooxda ay ka tirsan tahay oo kaashanaya khubaro dhanka caafimmaadka ah oo ka soo jeeda dalka Sweden ayaa muddooyinkii dambe Tijaabada ku sameeyay dad ka badan kun qof. Markii uu soo baxay warka sheegaya in guul yar ay gaareen kooxda Sarah, waxay caan ka noqotay dalka Britain iyo caalamka, maadaama xoogaa rajo ah laga dareemay dedaalka ay hormuudka u tahay. Inkastoo ay noqoneyso wax lagu degdegay haddii la dhaho way guuleysteen, haddana waxyaabha ay ka guul gaareen illaa iyo hhadda waxay muujinayaan in ay gaari karaan hadafka ugu dambeeya. Magaca barafasoor Gilbert oo ka mid ah aqoonyahannada cilmiga durugsan u leh cudurada faafa wuxuu ku baahay dhammaan warbaahinta, waxaana aad loo daneeyay wareysi lala yeesho. Muddo 20 sano ah ayaa la sheegay in ay ka shaqeneysay sheybaarada, halkaas oo ay ku sameyn jirtay tallaalka iyo hirgelinta mashaariic badan oo la xiriira dhanka daweynta cudurada. Sarah waxay sheegtay in marwalba ay jecleyd in ay ka shaqeyso cilmi baarista la xiriirta caafimmaadka, balse markii ay da'deedu ahayd 17 sano, ma asyan garaneynin halka ay wax ka billaabi karto. Wixii ugu horeeyay ee ay sameysay waxay ahayd in ay hesho shahaadada koobaad ee jaamacadda ee ah midda Biology-ga. Intaa ka dib waxay cilmi baaris ku sameysay cudurada bakteeriyada ah, kadibna waxay baratay sameynta dawooyiinka. Sannadkii 1994, Sarah waxay shaqo ka heshay jaamacada Oxford oo ka mid ah jaamacadaha ugu tayada wanaagsan caalamka, halkaas oo ay ka qabatay shaqooyin kala duwan oo ay ka mid tahay xal u helida cuduro ay ka mid yihiin malaariyada. Cilmibaaristii ay sameysay ugu dambeyn waxay horseeday in ay ka shaqeyso tallaalka. Prof Gilbert waxay dhashay saddex cunug oo mataano ah sannadkii 1998, sannad ka dib na waxay macalin ka noqotay jaamacad. ""Way adagtahay in la isu dheelitiro shaqada iyo nolosha gaarka ah,"" ayay tiri iyadoo ku sii dartay: ""waxay u muuqataa mid aan suuragal ahayn markaad taageero haysan."" Waxaan haystaa saddex cunug, lacagta iskuulka lagu xanaaneeyo waxay ka badan tahay mushaarkeyda ."" Seygeeda wuxuu go'aansaday in uu xirfadii uu ku shaqaysabnayay joojiyo si uu u daryeelo caruurta, balse waxay sheegtay in taasi ay adkeyd markii hore. ""Waxaan qaatay 18 toddobaad oo fasaxa dhalmada ah"". Waxaan sii haystay saddex cunug oo ay tahay in aan daryeelo, waxayna ahayd mid wareer badan "", ayay tiri Prof Gilbert oo ah khabiir dhanka seyniska ah. Prof Gilbert ayaa sidoo kale sheegtay in shaqada seyniska, waxyaabaha ay ku wanaagsan tahay ay ka mid tahay in aan lagaaga baahnayn in aad shaqeyso saacado badan inkastoo mararka qaar xaaladuhu ay adkaaneyso. Sannadkii 2004, waxay ahayd arday dhigata jaamacad, seddax sano ka dib ayayna bilowday in ay ka shaqeyso mashruuca tallaalka hargabka oo ay fulinaysay hay'ad cilmi baaris oo fadhigeedu yahay London oo dhaqaalo ku kaalmayn jirtay cilmibaarida ay kooxdeeda wadeen. Markii ay caruurta mataanaha ah ay koreen xaaladda way sahlanaatay. ""Inkastoo aan aniga ahayd madaxa sheybaarka, hadana waxaan xaaladda u eegaa si kale oo ka duwan,"" ayay sheegtay. Caruurta Prof Gilbert ayaa hadda ah 21 sano jirro. Waxay dhamaantood sida hooyadood oo kale bartaan cilmiga Chemistry. Arrinta xiisaha leh waxay tahay in dadaalka ay ku baadigoobayso talaalka fayraska Covid-19, ay saddexdeeda cunug go'aansadeen in ay qeyb ka noqdaan dadka si tabaruc ah logu tijaabinayo. ""Waa in aan tallaalnaa dadka caafimaadka qaba ee ay da'doodu u dhaxeyso 18 illaa 55 sano jir,"" waxay sidaas BBC u sheegtay Prof Gilbert. Waxay rajeynaysaa wanaagga ""dadka mutadawaciinta ah"", waxayna ku faraxsan tahay in caawin dheeraad ah ay ka hesho qoyskeeda. Waxay sidoo kale sheegtay in aysan ka walaacsaneyn: ""Marar badan ayaan isticmaalnay tijaabada tallaalada noocan ah, mana filayno wax la yaab leh."" Imika arrinta muhiimka ah waxay tahay sida ay sheegtay: ""Waxaan hadda xoogga saareynaa baaritaanada dhanka seyniska iyo dardar galinta soo saaridda sida ugu dhaqsiyaha badan si loo joojiyo faafidda cudurkan safmarka ah." https://www.bbc.com/somali/war-53563552 +politics Hanjabaaddii Mareykanka dhag jalaq looma siinin oo markabkii Iraan waa laga 'iibsaday' Saliidda "Markab looga shakisanaa inuu Saliidda Iiraan u gudbinayo Dalka Suuriya, taasoo ka dhan ah cunaqabateynta dhaqaalaha ee saran Iiraan, ayaa hadda iibiyay Saliiddii uu waday, sida ay sheegtay Dowladda Iiraan. Sawirro uu qaaday Satellite-ka ayaa muujiyay Markabkan lagu magacaabo Adrian Darya-1 oo Jimcihii ku suganaa meel ka baxsan xeebta dalka Suuriya. Laakiin afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay kaliya in Markabku uu gudbiyay xamuulkii saarnaa ka dib markii uu ku xirtay ""Xeebta badda Mediterranean-ka"", mana uusan carrabaabin waddan khaas ah oo saliidda iibsaday. Mareykanka ayaa maanta oo Axad aha, 8-da bisha Sitembar, 2019-ka, waxa uu wacad ku maray inuu cunaqabateyn kusoo rogi doono waddan kasta oo saliiddaas iibsaday. ""Waan sii wadi doonnaa inaan Cadaadis saarno Iiraan, sida uu Madaxweyne Trump yirina ma jiri doonto wax khafiifin ah oo ku aaddan ganacsiga saliidda Iiraan"", sidaas waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay sarkaal u hadlay wasaaradda maaliyadda ee Mareykanka, oo lagu magacaabo Sigal Mandelker. Dhinaca kale, Markab uu ka babbanayay calanka Ingiriiska oo ay Iiraan qabsatay, lana rumeysan yahay inay tallaabadaas u qaadday aargoosi ahaan, ayaa hadda diyaar u ah in lasii daayo, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Tehran. Afhayeenka wasaaraddaas Abbas Mousavi ayaa sheegay in markabkan oo lagu magacaabo Stena Impero uu marayay marxaladihii dhinaca sharciga ee ugu dambeeyay, lana filayo in ""dhawaan"" lasii daayo. Waxaa Markabkaas la heystay tan iyo 19-kii bishii Luulyo, waxaana lagu eedeynayay inuu jabiyay sharciya xuduudaha badda - Iyadoo Iiraan ay si joogto ah u beenineysay in qabashadiisa ay wax lug ah ku leedahay Markabka kale ee laga heystay. Markabka Iiraan ee muranka uu hareeyay ayaa siday saliid dhan 2.1 malyan oo barmiil. Markabkan ayaa saldhig u ahaa muran diplomaasiyadeed oo u dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Iiraan, kaasoo gaaray meel xasaasi ah. Waxaa bishii Luulyo gacanta ku dhigay Ciidamada badda ee Ingiriiska waxayna hayeen ilaa 15-kii bishii Agoosto markii ay dowladda Iiraan u ballan qaadday inuusan u jiheysan doonin dhinaca Suuriya. Mareykanka ayaa isku dayayay inuu gacanta ku dhigo markabkan tan iyo markii ay sii daayeen ciidamada Ingiriiska. Waxay Washington soo saartay Warqad lagu soo qabanayo islamarkaana waxay markabka ku dartay liiska madow. Sidoo kale waxay mas'uuliyiinta Aqalka Cad ku hanjabeen inay cunaqabateyn saari doonaan waddan kasta oo isku daya inuu caawiyo markabkaas. Horaantii Isbuucan waxaa soo baxay warar sheegaya in Mareykanka uu lacag malaayiin doolar ah u ballan qaaday kabtanka Markabka, si uu jihadiisa u baddalo isla markaana uu u geeyo ay ay Mareykankau ka qabsan karaan." https://www.bbc.com/somali/war-49627789 +health Lix sano jir walaashii ka difaacay eey oo 90 qodob laga tolay wejigiisa "Bridger Walker, oo ah wiil geesi ah oo 6 sano jir ah, ayaa si wayn loogu amaanay baraha bulshada ka dib markii uu walaashiis ka badbaadiyay eey soo weeraray. Wiilka ayaa tallaabo degdeg ah oo difaac ah qaaday markii eeyga uu soo aaday dhanka walaashii oo 4 sano jir ah. Sida ay baahisay CNN, eeyga weerarka ka dambeeyay wuxuu jiray 1 sano, sida qoyska ay ku sheegeen warbixin. Eeygaas ayaa si xun u weeraray wiilka, wuxuuna u geystay dhaawac ba'an. ""Waxaa la yaab ah in eeyga halkii uu ordi lahaa inuu weeraray Bridger uuna ka jeexay dhabanka"", ayaa lagu yiri qoraalka qoyska oo ay soo xigteen qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka. Wiilkan ayaa la marsiiyay laba saacadood oo uu saarnaa saallada isbitaalka, waxaana muddadaas laga tolayay dhaawaca uu eeygaas u geystay. Waxaa la tolay 90 qodob, sida qoyska laga soo xigtay. Markii uu aabihii weydiiyay sababta uu eeyga uga hor istaagay walaashii wuxuu ku jawaabay: ""Haddii qof uu dhimanayo waa in aniga uu noqdo,"" sida ku xusan qoraal ay heshay warbaahinta CNN. Wiilka eedadii ayaa baraha bulshada ku baahisay sawirradiisa taas oo soo jiidatay dareenka dad aad u badan oo kuwa caan ah ay ka mid yihiin. Waxaa ka mid ah atariishada caanka ah ee Anne Hathaway oo tiri: ""Ma ahi qof aarguta, balse waxaan garanayaa geesi, waxaanna arkay mid."" Waxay farriintaas ku qortay sawirka Bridger oo ay barteeda Instagram ka soo dhigtay. Farriinta ay atariishadaa baahisay waxaa like saaray in ka badan 1 milyan oo qof, kumannaan kalena waxay ka dhiibteen aragtiyo kala duwan. Qoyska wiilkaas waxay sheegeen in Jilaayaal ay ka mid yihiin Ruffalo, Tom Holland, Hugh Jackman, Zachary Levi, Walaalaha Russo iyo Robbie Amell, ay xiriir la soo sameeyeen. Eedadii waxay sheegtay in sababta arrintan ay u baahisay ay tahay sidii ay hadallo dhiiragelin ah uga heli lahaayeen dadka kale ee geesiyada ah. ""Waan jeceylnahay wiilkeenna halyeyga ah, waxaanna dooneynaa in dadka kale ee geesiyada ah ay ogaadaan halyeygan cusub ee ku soo biiray"", ayey tiri. Eey ayaa waqooyiga dalka Thailand soo badbaadiyay wiil yar oo markaasi dhashay oo isaga oo nool ay god ku aastay hooyadii oo dhawr itoban jir ah. Wiilkani yar ayaa sida la sheegay waxaa godka ku aasatay ka dibna isaga dhaqaajisay hooyadii oo 15 sano jir ah, si ay waalidkeeda uga qariso ilmahaasi ay dhashay oo aan lala ogeyn. Eeygaasi oo lagu magacaabo Ping Pong ayaa lugta ku qoday halkii uu wiilkaasi yar ku aasnaa, ka dibna waxaa uu arkay lug meel ka soo jeeda, sida uu sheegay milkiila eygaasi. Dadka deegaanka ayaa markiiba wiilkaasi ula cararay isbitaalka, waxaana dhakhaatiirtu ay markiiba billaabeen in ay u qabeeyaan ka dibna waxa ay shaaciyeen in wali uu nool yahay oo caafimaadkiisu wanaasgan yahay. Milkiilaha eygaasi, Usa Nisaikha, ayaa sheegaya in Eeygiis uu beelay hal lug ka dib markii uu jiiray baabuur. Usa Nisaikha ayaa wargeyska Khaosod u sheeggay ""sababta aan Eeygani u haysta ayaa ah daacadnimadiisa iyo in uu baari ii yahay. Waa uu icaawiyaa mar kastaa oo aan beerteyda aado oo aan soo eegaya lo'deyda. Waa Eey dadka tuuladan oo dhan ay aad u jecel yihiin. Wa mid cajiib ah."" Hooyada dhashay wiilkaasi yar ayaa maxkamad la soo taagay, waxaana lagu soo eedeeyay in ay cannugaasi dayacday iyo in ay isku dayday in ay disho. Panuwat Puttakam oo ah sarkaal ka tirsan booliska dalkaasi ayaa wargeyska Bangkok Post u sheegay in hooyadaasi da'da yar haatan lagu wareejiyay hooyadeed iyo dhakhtar ku takhasasusay cilmi-nafsiga oo aad ula talin doono. Gabadhaasi ayaa sheegtay in ay aad uga qoomamaynayso ficilkaasi ay ku kacday ee ah in ay god ku aasto wiilkaasi yar, waxaana haatan ay labadeeda waalid go'aansadeen in ay koriyaan cannugaasi yar. Ciidamo boolis ah oo ku sugan Massachusetts waxay qabteen tuug alaabo ka xadayay goob lagu uruuriyo qalabka carruurta ee sadaqada ah - wuxuu ahaa eygii xafiiska ka shaqeynayay. Booliska oo ka howlgala Franklin waxay dadka ka soo uruuriyeen alaabta carruurta ku cayaaraan, waxayna u diyaariyeen in xilliga ciida masiixiga ah la siiyo in carruurta ay reerahooda saboolka yihiin. Balse alaabtii waa uun la waynayay, waxaana looga shakiyay mid ka mid ah askarta. Ugu dambeynta waxaa lagu dhawaaqay baaritaan rasmi ah. Wax badanba kama soo wareegan, eyga oo lagu magacaabo Ben Franklin, oo loo adeegsado daweynta, ayaa lagu qabtay isagoo sii xadaya alaabtii. Muuqaal ayaa laga dhex arkay eyga oo sii sita dambiil yar oo boombale uu ku jiro oo sii dhaafaya askarta, waxayna u sii raaceen illaa meesha uu alaabta ku qarinayay. Wuxuu gelinayay miis hoostiisa halkaas oo laga helay dhammaan alaabtii uu qaatay. Taliye ku xigeenka booliska Franklin, James Mil wuxuu wargeyska Boston 25 u sheegay: ""Goobta oo dhan ayaa la xiray, waana ogeyn in ay fududahay in la helo xatooyada qofka ka dambeeya, balse Ben ayuu noqday. Markii Ben uu arkay boombaleyaasha, wuxuu mooday in uu isaga leeyahay."" Wuxuu intaa ku daray in Ben laga mamnuucay in uu u dhowaado qolka lagu uruuriyo alaabtan sadaqada ah, sidoo kalena dhamaan kuwii uu qaatay waaloo daayay, kuwa kale ayaana lagu badalay. Ben Franklin waa eey dhakhtar ah oo dadka ka qosolsiiya. Waxaa la geeyaa iskuullada, wuxuuna waqti la qaataa ardeyda dhibaatada ay haysato. Mr Mill wuxuu yiri: ""Wuxuu ku dhex wareegtaa saldhigga, waana arrin aad u fiican. Waa sida qof marka uu xafladda yimaado uu qof kasta jeclaanayo, dhab ahaantii haddii Ben uu soo galo halkan waa sida iftiinka qoraxda oo soo baxay.""" https://www.bbc.com/somali/war-53429918 +politics Maxaa dhacaya marka xildhibaan uu kursigiisa waayo? "Toddobaad ka hor waxa aad ka cunteynaysay hoteka cunnada ee gudaha baarlamaanka balse toddobaadkii xigay waxaad noqotay shaqo la'aan. Laga bilaabo Jimcaha soo socda waxa ay arrintaasi haysataa 47 xildhibaan oo kuraastoodii ku waayay dorashadii dalka UK ka dhacday Khamiistii. Xildhibaanada kuraastooda lumiyay waxaa ka mid ah Jo Swinson, oo ahayd hogaamiyihii hore ee xisbiga Lib Dems. waxay ku guuldareysatay kursigii deegaankeeda bariga Dunbartonshire,iyadoo 149 uu uga guuleystay musharaxii ak socday xisbiga SNP. Dominic Grieve, oo ahaa musharax madaxbanaan ayaa xafiiskiisa ka tagi doona ka dib markii uu doorashada ku guuldareystay. Hogaamiyaha ku xigeenka xisbiga DUP Nigel Dodd ayaa waxaa kursiga kaga guuleystay Sinn Fein's John. Marka hore kaarkii ay ku gali jireen baarlamaanka ayaa meesha laga saarayaa 19 bishan December. Arrintan waxay micnaheedu tahay in baarlamaanka aysan gali Karin wax ka dambeeya 19 bishan. Xildhibaanadii lumiyay kuraastooda waxay haystaan 5 maalmood oo ay waxyaabaha ka yaalla xafiiskooda uga qaadan karaan islamarkana waxay faarujin doonaan dhismaha Westminster. Waxaa la siin doonaa lacag yar oo ah miisaaniyada sagootinta. Waxay lacagtaasi gacan ka siinaysaa xildhibaanada in ay qarashaadkoda isaga bixiyaan marka uu mushaarkooda joogsao waxa ayna arrintan soconaysaa ilaa February 2020. Shaqaalaha xildhibaanada kuraastooda ku guuldareystay ayaa iyaguna shaqadooda waayi doona. Cilmi-baarayaasha ,saraakiisha ololahii doorashada iyo ku xigeenadooda ayaa dhammaan shaqdooda waayi doona wixii ka dambeeyay natiijadii Jimcihii aanu soo dhaafnay. Nic Trower ayaa aad u garanaya dareenka ay arrintni leedahay. Waxa uu kaaliye u ahaa Stephen Williams, oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa xisbigaa Lib Dem kaasi oo kursigiisii lumiyay doorashadii 2015. Islamarkii uu xildhibaanka ku guuldareystay doorashada waxaa isna laga tiray shaqada. ""Waa naxdin ballaaran,xafiiska ayaad aadaysaa ,wax walba wada so nadaaminaysaa ka dib na waad isaga so baxaysaa.""ayuu yiri. Waxaa uu BBC u sheegay in ay tahay mid qiiro leh in xildhibaan saaxibkaa ahaa aad aragto isaga oo shaqadiisii iyo xirfadiisii guud ahaan waayay. Xildhibaanada mar kale ku guuleystay kuraastooda ayaa lagu wadaa in ay baarlamaanka ku soo laabtaan 17 December." https://www.bbc.com/somali/war-50792505 +health Cudurka sheegitaankiisa laga xishoodo ee sida ba'an u laaya dumarka "Pakistan ayaa ah waddanka uu saameynta ugu badan ku yeesho kansarka naasaha, marka loo eego guud ahaan dalalka qaaradda Aasiya. In xilli hore la ogaado cudurkan waa arrin muhiim ah laakiin khubarada caafimaadka waxay ka cabsi qabaan in haween badan aysan xanuunka ka haya naasaha usoo bandhigin sababo la xiriira dhaqanka xishoodka ku saleysan. Kansarka Naasaha wuxuu sanad walba dalka Pakistan ku dilaa 17,000 oo haween ah, sida laga soo xigtay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO, inkastoo ururrada samafalka ee arrintan u kuur gala iyo dhakhaatiirta waddankaas ay sheegayaan in tirada dumarka uu cudurkaas noloshooda galaafto sanad walba ay gaareyso 40,000. Waxay sheegeen in cudurkan uu ku dhaco hal ka mid ah sagaalkii dumar ah ee ku nool waddankaas, hase yeeshee xishoodka dhinaca dhaqanka uu aad u adkeeyo in haweenku ay helaan caawinaad noloshooda lagu badbaadin karo. ""Kansarka Naasaha wuxuu ku lug leeyahay xubnaha dumarnimada ee sheegitaankooda afka xitaa lagala xishoodo dalka Pakistan"", sidaas waxaa yiri Cumar Aftab oo ka tirsan hay'ad ka shaqeysa arrimaha kansarka naasaha, oo lagu magacaabo Pink Ribbon Foundation. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: ""Intii loo arki lahaa inuu yahay cudur, waxaa loo arkayaa arrin la xiriirta xubnaha dumarnimada"". Dadka ka badbaaday cudurkan ayaa sheegay inay ""si kalinnimo ah"" u wajaheen. 'Qoyskeyga ayaan mudnaanta koowaad siiyaa' Macallimadda wax ka dhigta dugsiga hoose dhexe ee lagu magacaabo Silvat Zafar waxay ahayd dhowr iyo labaatan jir markii ay buro yar ku aragtay naaskeeda. Waxay go'aansatay inay ka qariso qoyskeeda, kuwaasoo markaas isku diyaarinayay safar dalxiis ah oo ay Mareykanka ugu socdeen. ""Bulshadeenna waxaa caado u ah in gabdhuhu ay qarsadaan arrimaha khaas u ah ee la xidhiidha jidhkooda"", ayey tidhi. ""Maba ka hadli kartid wax noocaas oo kale ah. Aniga afkeyga masoo qaban karin inaan dhaho 'kansarka naasaha'. Hooyadey way geeriyootay waxayna ahayd qofka kaliya ee dumar ka ah qoyska, marka aniga la iga soo tago, sidaas darteed waan iska aamusay"". Intii lagu guda jiray safarka dalxiiska ah, Silvat way qarineysay burada naaska uga taallay, iyadoo xiraneysay dhar waaweyn, sidoo kalena ma aysan ka hadleynin xanuunka daran ee ay dareemeysay. Markii ugu horreysay ee ay caawinaad heshay lix bilood ka dib, xanuunkeeda kansarka naasaha wuxuu marayay heerka saddexaad, taasoo micnaheedu yahay in burada ay weynaatay ayna halis ugu jirtay in cudurku uu kusii fido jirkeeda intiisa kale. Laakiin iyadoo xitaa heerkan khatarta badan joogtay, daaweyntu wali wax way u tari kartay. Xaaladda Silvat mid qeyrul caadi ah kuma aysan ahayn Dr Huma Majeed, oo ka mid ah dhakhaatiirta qalliinka kansarka naasaha ee ugu waaweyn dalka Pakistan. Waxay leedahay xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Lahore, halkaasoo ay ku daweyso boqollaal haween ah oo qaba kansarka naasaha. ""Dumarku naftooda mudnaanta koowaad ma siiyaan marka ay ka fikirayaan qoyska"", ayey tidhi. In ""laga xishoodo"" sheegitaanka kansarka naasaha waa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dumarka reer Pakistan ka hor istaaga in lagu caawiyo daweynta. Haween badan, iyo xitaa ragga ay xaasaska u yihiin raalli kama aha in ay baaritaan ku sameeyaan dhakhaatiir rag ah, maadaama meesha la baarayo ay tahay xubin muhiim u ah astaamaha dumarnimada. Balse waxay Dr Majeed sheegeysaa sababo kale oo sidoo kale caqabad ku ah daweynta dumarka qaba xanuunkaas. ""Waddan ay maamulkiisa dhaqaalaha iyo hoggaanka qoyskaba hayaan rag oo kaliya, sida Pakistan, qorshaha laguma daro daweynta dumarka"", ayey tiri Dr Majeed. Waxaa kale oo ay sheegtay inay saameyneyso dhaqaale xumada ka jirta dalkaas. Sobia, oo 20 jir ah, waxay mareysaa baaritaankeedii ugu horreeyay ee lagu sameayo tan iyo markii ay Dr Majeed qalliin uga goysay buro ay ku aragtay naaskeeda. Gabadhan waxay waxbarashadeeda u deysay si ay u shaqeyso ayna u caawiso walaalaheeda kale. Maanta waxay labo saacadood iyo bar u soo safartay si baaritaankaas muhiimka ah loogu sameeyo. ""Waa arrin xasaasi ah, meeshan waa xubin khaas ah oo ka mid ah jirka haweenka, ugama hadli kartid dadka hortooda"", ayey tiri Sobia. Bisha October waxaa adduunka oo dhan laga sameeyaa wacyigalinta ku saabsan kansarka naasaha, gudaha dalka Pakistan-na hay'adaha samafalka, sida Pink Ribbon Foundation, waxay ku mashquulsan yihiin ol'olaha noocaas ah. Hay;addan samafalka ah waxaa la aasaasay 15 sano ka hor, dhawaan unbayna shaaca ka qaadday in xishoodka uu sabab weyn u yahay kansarka naasaha ee saameynta ba'an ku yeeshay dumarka Pakistan. Ol'olihii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen waxaa lagu bartilmaameedsanayay haweenka da' yarta ah. Waxay booqdeen ilaa 200 oo isugu jira jaamacado iyo mac-hadyo. Waxaa hadda socda qorshe lagu doonayo in isbitaal weyn oo kansarka naasaha ah laga dhiso magaalada Lahore. Dowladda ayaa dooneysa in xaruntaas loo sameeyo shaqaale caafimaad oo kalabar ka mid ah ay yihiin dumar, si loogu dhiirrigaliyo haweenka inaysan xanuunkooda la xishoonin. Waxaa la rajeynayaa in xaruntaas albaabbada loo furo sanadka soo socda ee 2020-ka. Dr Majeed waxay sheegeysaa in dadaallada la sameynayo ay xitaa qeyb ka tahay sidii ragga loogu tababari lahaa arrintan, isla markaana ay u fahmi lahaayeen muhiimadda ay leedahay in xanuunkan la daaweeyo xilli hore.\nLaakiin ma sahlana in isbaddal dhakhso ah la sameeyo. Silvat Zafar waxay rajeyneysaa in soo bandhigista sheekadeeda ay dumar badan ka caawineyso inay bannaanka soo dhigaan xanuunkooda kansarka naasaha, ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin. ""Wax weyn ayaad u tari kartaa naftaada, ha baqin, soo istaag oo guuleyso"", ayey tidhi." https://www.bbc.com/somali/articles/crgw2ez0z1do +health Wiilal u dhintay gudniin oo sababay in iskuullo la xiro "Dowlada Koonfur Afrika ayaa xayirtay dhowr dugsi oo ay toddobaadyadi ugu dambeeyey wiilal ugu dhinteen gudniin iyaga oo ka qayb qaadanayay munaasabad ay iskuulladaas qabtaan sannadkasta. Golaha diinta iyo dhaqanka ee dalkaas ayaa sheegay in dugsiyo waxbarasho oo ku yaalla Bariga Cape la xariyo sannado badan. Wuxuu goluhu amar ku bixiyey ciddi masuulka ka ahayd dhimashada 20-kaa wiil ee ugu dambeeyey in la soo xiro. Dadka gudniinka lagu sameeyo waxaa lagu hayaa deeganno miyi ah oo xaaladdooda aad u liidato. Sannad walba tobannaan kun oo dhalinyaro ah oo da'doodu u dhaxeyso 15-17 sano jir, ayaa lagu hayaa goobo gaar ah oo miyiga ku yaalla waxayna bulshooyiinkaas aaminsan yihiin sida uu qofka ula qabsan lahaa bulshada, qof adagna uu u noqon lahaa. Xaqiiqadu waa eegidda waxa ka dhaca goobaha sida qarsoodida ah carruurta loogu hayo. Ukwaluka ama dhaqankan soo jireenka ah, waxaa loo arkaa inuu yahay qayb muhiim u ah nolosha wiilasha dhalinyarada ah ay soo maraan si ay u noqdaan qof dhammeystiran, waxaana caadooyiinka noocaasi ah aaminsan qowmiyadaha waaweyn ee dalka Koofur Afrika oo ay ka mid yihiin Xhosa iyo Ndebele. Dhalinyarada ka qayb qaadata dhaqanka ay qowmiyaddan leedahay, marka ay guriyahooda ku soo noqonayaan waxaa lagu soo dhaweyaa farxad iyo damaashaad ay u sameeynayaan bulshada iyo qoysaskooda. Waxaana soo dhaweyntaas ay astaan u tahay inuu ninka dhalinyarada ah ee marxaladdaas ka soo gudba uu u gudbay nin dhammeystiran. Balse mararka qaar dhaqamadaas ayaa siyaabo khaldan lo fuliyaa, oo waxaa dhacda iney dhalinyarada qaarkood ay gudniinka iyo darxumo kale oo ay la kulmaan ay u geeriyoodaan. Sannadki hore waxaa isbitaallada loola cararay boollaal dhalinyara ah waxaana laga daweeey dhibaatooyinka xubinka taranka ka soo gaaray xilliga la gudayey, dhiig bax iyo xanuunna kale oo gudniinka la xiriira. Munaasabadaha gudniinka wiilasha ee Koonfur Afrika waxay dhacaan laba xilli oo ku beegan bilaha June iyo December. Sababtu waxay tahay in iskuullad waxbarashada ay fasax yihiin, waxayna hawsha ku qaadata muddo bil ah. Wiilasha yaryar ee qowmiyadda Xhosa oo da'doodu ay gaarto 15-17, qoyskooda waxay u diyaariyaan goobihi howlaha dhaqamiga ay ka dhici lahaayeen halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ""ingcibi"" oo ah dhakhtarka dhaqameed ee gudniinka sameeya iyo ""ikhankatha"" oo ah kalkaaliso dhaqameed. Xigasho: Waaxda Iskaashiga Dowliga iyo Arrimaha dhaqanka Dhakhtar-dhaqameedka wuxuu filyaa gudniinka; kalkaalisadana waxay ku shaqo leedahay dabagalka xaaladda qof weliba iyo cunnadooda. Gudniinka dhaqanka ah ee Koonfur Afrika aya waa mid ay jiilal badan ku soo dhaqmayeen, wuxuuna u yahay dhaxal. Waxay bulshadu u aragtaa inuu dhaqan iyo caado soo jireen ah yahay. dadka qaar waxay aaminsan yihiin inuu yahay mid xilliga lagu soo dhaqmi jiray laga soo gudbay isla-markaana uu yahay dhaqan halistiisa leh. dastuurka Koonfur Afrika wuxuu dhigayaa in cid weliba ey xaq u leedahay iney meel mariso dhaqanka iyo caadooyinka soo jireenka ah. Inta badan dhimashada wiilasha gudniinkan lagu sameeyo waxaa keena dhiig bax, dhaawacyo gudniinka ka soo gaaro ka dibna sii xumeeya xaaladda caafimaad ee ka dhalata daryeel xumo iyo marka ay bukoodaan oo aysan helin adeeg caafimaad oo ku filan. Bishi June iskuullo aan sharciyeysneyn oo ku yaallay Bariga gobolka Cape ayaa laga soo badbadiyey wiilal ka badan 100. Xaruumaha caafimaadka ee ay dowladdu gacanta ku hayso waxay dhowaan billaabeen iney adeegga gudniinka wiilasha bixiyaan iyaga oo shacabka ugu soo bandhigyo fursad ay kaga maarmaan gudniinka dhaqameed oo halis badan, balse bulshada qaar ayaa u arko inay gudniinka casriga ah uu yahay mid laga soo min guuriyey reer galbeedka oo dhaqankooda lagu baabi'inayo. Door kasta oo ay dowladda Kooonfur Afrika ka qaadato joojinta dhaqankaasna ma noqonin mid ay bulshada soo dhaweyso maadaamaa ay odayaasha dhaqanka ay yihiin kuwa si weyn ay bulshada u maqasho isla-markaana ay si weyn weli ugu dhaggan yihiin dhaqankoodan. Caadada gudniinka dhaqamiga ee dalka Koonfur Afrika looga dhaqmo ayaana noqon doono mid sii jira oo ay bulshada dalkaasi ku dhaqanto. Iyada oo aan weli jawaabo ku filan loo helin su'aalaha faraha badan ee ka dhashay gudniinkaasi dhaqamiga ah aan jawaabo loo helin, dad badanna ay aaminsan yihiin iney wiilasha yaryar si fudu ku dhiman iyada oo la doonaya oo keli iney caadadaasi soo maraan si ay nin dhammeystiran ay u noqdan." https://www.bbc.com/somali/war-50876228 +politics "George Floyd: ""Cunsuriyadda midabka ku saleysan waa iney caddaalad hesho'" "Aaska Geroge Floyd ee ahaa nin madow ah oo gacanta booliska ku dhintay ee dunida dhan carada ka abuuray, ayaa laga soo jeediyey baaq ku aaddan cunsuriyadda midabka ku saleysan in caddaaladda la mariyo. Xubin khudabad ka soo jeediyey kaniisad Houston ku taalla oo naxashka lagu sagootinayey ayaa lagu sheegay Floyd: ""nin loo dilay dambiga uu galay inuu yahay oo keli ah midabkiisa oo madow ah"". Mr Floyd ayaa bishi hore lagu dilay magaalada Minneapolis, kaddib marki uu askari boolis oo caddaan ah uu jilibka dhuunta kaga hayey ku dhawaad 9 daqiiqo, dhcadaasina muqaal laga duubay dunida lagu baahiyey. Afar askari oo bolis ah oo dilkaasi lala xiriiriyey ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah. Naxashka Floyd ayaa kaniisadda laga qaaday lana geeyey qabuuro Houston ku yaalla waxaana lagu garab aasay qabriga hooyadii. Brook Williams oo uu adeer u yahay Mr Floyd waxay ku baaqday in wax laga beddelo shuruucda dadka madowga ah takooraya. ""Maxaa keenay nidaamka inuu noqdo mid guul darreystay?"" ayey tiri. ""Shuruucda waxaa marki horaba loo hirgeliyey nidaamka dadka madowga ah inuu fashilmo. Marka waa inuu shuruucdaasi la beddelaa. Fadlan, dambi neceyb ku saleysan yuusan marnaba dhicin! Qof ayaa yiri 'Mareykanka markale ayaan ka dhigeynaa dal sare', balse goormaa ayuu Mareykanka noqonayaa dal sare?"" Musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ee doorashada November kula loollamaya madaxweyne Donald Trump, oo farriin muuqaal ah halkaasi ka soo jediyey wuxuu yiri: ""Marka caddaalad loo helo George Floyd, runtii waxaan gaari doonnaa waddada caddaaladda looga raadinayo cunsuriyadda midabka ku saleysan."" Mr Biden ayaa si weyn u dhaleeceeyey Mr Trump, isaga oo ku eedeeyey ""hadal quudhsi ah"" uu ka sheegay Mr Floyd. Balse siyaasiga xisbiga dimuqraadiga laftiisa ayaa dhawan lagu eedeeyey inuu helayo codka dadka madowga ee Mareykanka, ""Ma aha madow"" haddii ay codkooda siiyaan Mr Trump. Munaasabadda baroordiiqa waxaa lagu qabtay kaniisad ku taallo Kaniisad, munaasabaddaasi oo ay ka qayb galeen 500 oo marti ah oo ay isugu jiraan siyaasiyiin iyo shaqsiyaad caan ah. ""Ma ahayn George Floyd in dhibkan uu ku dhaco, waana sababta aan halkan u joogno,"" ayuu yiri Al Green oo ka tirsan golaha hoose ee Xisbiga Dimuqraadiga. ""Dambiga uu galay ayaa wuxuu yahay inuu midabka madow uu ku dhashay."" Al Sharpton oo u ololeeya xuquuqda dadka rayadka ayaa wuxuu yiri: ""Caalmaka waxaan ku arkayaa, carruurta ay awoowyada u yihiin dadki aabbaha u ahaa addonsiga oo taallooyinka loo dhisay dhulka soo dhigaya."" ""Ilaahey wuxuu naga qaaday nin adag, balse qaaditaankiisa wuxuu sababay iney dunida oo dhan aragtideeda ay isbeddesho."" Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz wuxuu shacabka ugu baaqay iney 8 daqiiqo iyo 46 biriqsi ay aamusaan si ay George Floyd ugu baroor diiqaan, wakhtiga la aamusay oo ahaa inta uusan Floyd dhiman ka hor askarkiga dilay inta uu dhuunta jilibka kaga hayey. Naxashka Floyd muddo 6 saacadood ah waxaa Isniinti lagu soo bandhigay Kaniisad halkaasi ku taallo. Munaasabad kale oo baroordiiq ah ayaa lagu qabtay Minneapolis iyo North Carolina, oo ah halka uu Mr Floyd ku dhashay. Biden oo Isniinti booqday qoyska Mr Floyd, musharraxa xisbiga dimuqraadiga wuxuu u sheegay CBS: ""Gabadhiisa yar ayaa guriga joogta, waxayan tiri 'abbahay dunida ayuu wax ka beddelayaa', waxaan u maleeynayaa gabadhaa yar aabbaheed inuu dunida wax badan ka beddelayo."" ""Dhab ahaan waxa meeshan ka dhacay waxay sawir ka bixinayan taariikhda Mareykanka, marka laga eego xorriyadda rayadka, xuquuqda dadka rayadka iyo in dadka si sharafleh loola dhaqmo."" Afhayeenka qoyska Floyd u hadla Benjamin Crump, wuxuu bartiisa twitter-ka uu soo dhigay sawirka kulanka muujinaya, ayuu yiri fikirka Floyd wey soo dhaweeyeen fikirka Biden ayuuna sii raaciyey. Mudaharaadyada looga soo horjeeda cunsuriyadda ee ka bilalawday dilka Mr Floyd ayaa toddobaadki seddexaad ka socda Mareykanka. Mudaharaadyo ballaadhan ayaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee oo ay ka mid yihiin Washington DC, New York, Chicago, Los Angeles iyo San Fransisco. Dareenka cunsuriyadda laga qabo ayaa ku sii kordhay waddamada reerka galbeedka ee jawaabta looga dhigayo dilka George Floyd: -Duqa magaalada London Sadiq Kham wuxuu diyaariyey Komishin dib u eegis ku sameynayo isdhex galka bulshada, maalmo kaddib marki dhulka la soo dhigay taalla ganacsiga addoonsiga oo Bristol ka taagneed. -Magaalada Antwerp ee dalka Belgium waxaa sida oo kale dhulka la soo dhigay taallada King Leopord II, oo dalkaasi ka talinayey xilliga ganacsiga addoonsiga uu ka socday Afrika." https://www.bbc.com/somali/war-52990163 +politics Mareykanka oo xayiraad dhinaca Fiisaha saarayo mas'uuliyiin ka soo jeeda Shiinaha "Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Washington ay xayiraad dal ku gal ay ku soo rogayso saraakiil ka tirsan xisbiga shuuciga ee shiinaha kuwaas oo la aamminsayhay inay wax u geysteen xorriyadda Hong Kong. Mr Pompeo ayaa sheegay in xayiraaddan ay bartilmaamedsaneyso saraakiil hadda kamid ah xisbiga iyo kuwo horay xisbiga uga tirsanaaba. Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay daba socoto ballanqaadkii Madaxweyne Trump ee ahaa in tallaabbo laga qaadi doono cid walbo oo madaxbannaanida Hong Kong dhibaata u geysatay. Shiinaha ayaa sheegay in tallaabada Mareykanka uu qaaday ay tahay mid qaldan sidaa awgeedna loo baahanyahay in laga laabto. Arrintan ayaa kusoo aadaysa maalmo ka hor inta baarlamaanka shiinaha uusan furmin. Guddiga Joogtada ee Golaha Shacbiga ayaa ka doodi doona sharciga cusub kulankiisa, kaasoo bilaabanaya maalinta Axadda. Shiinaha ayaa soo jeediyay shuruucyo amni oo dambi ka dhigaya cid walba oo wiiqdo awoodda xukumadda Beijing ee Hong Kong, taas oo u horseedi karto shiinaha in ay ciidamadeeda ammanka la wareegaan gacan ku haynta Hong Kong markii ugu horeysay. Labo isbuuc ka hor ayay ahayd markii, Hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam, ay sheegtay waddamada shisheeye ""inuu boos uga bannaaneen"" iney soo farageliyaan sharciga ammaanka uu Shiinaha qorsheynayo ee quseeya arrimaha ammaanka gudaha dalka Shiinaha. Sharcigan ayaa mamnuucaya khiyaamo qaran, kacdoon, kicin shacab iyo gooni u goosad. Dhinacyada sharcigan cambaareeyeyna waxay sheegeen inuu xaddidayo xorriyadda shacabka magaalada Hong Kong. Balse Ms Lam oo marki ugu horreeysay meel fagaara ah ka hadashay waxay sheegtay tallabbada sharcigaasi lagu meel marinayo iney tahay tallaabbo ""xilkasnimo ah"" oo lagu dhowrayo dadka ugu badan ee sharciga u hoggaansamo. Waxayna gaashaanka u daruurtay inuu sharcigaasi uu laalayo xuquuqda shacabka Hong Kong. Xuquuqaha ay shacabku leeyihiin waxaa si cad looga qeexay dastuur hoosaadka Hong Kong, lana dhaqan geliyey laga billaabo marki maamulka Hong Kong uu Ingiriiska ku wareejiyey Shiinaha 1997-kii. Sharciga aasaasiga ahna wuxuu shacabka Hong Kong uu u oggolaanayaa, xorriyadda mudaharaadka, oo aan ka jirin dal weynaha Shiinah Arrintan ayaa horseday in Dabayaaqadi toddobaadki hore, in waddooyinka Hong Kong ku soo laabtan mudaharaadyo hor leh oo ay ugu dambeysay sanadki hore, booliskuna si ay dadka mudaharaadayaasha u kala eryaan ay adeegsadeen sunta indhaha ka ilmeysiisay. Safaraada shiinaha ee Maraykanka ayaa sheegtay inay kasoo horjeddo goanka xukumadda Washington ay kula safaneyso go'aanada khaldan Qoraal lagu soo daabacay barta Twitter-ka, safaaradda ayaa intaas raacisay: ""Waxaan ka codsanaynaa kooxda Mareykanka inay si deg deg ah u saxaan khaladaadkooda, ay ka noqdaan go'aanka oo ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan arrimaha gudaha Shiinaha."" Khubarada u dhuun daloola siyaasadda Shiinaha ayaa cabsi ka muujiyey sharcigan cusub in lagu ciqaabi doono cid kasta oo xukumadda Beijing wax ka sheegto, si la mid ah waxa ka dhaca dal weyaha Shiinaha." https://www.bbc.com/somali/war-53202454 +sports Arsenal: Waa kuma tababaraha ay suurtagal tahay inuu baddalo Unai Emery? "Kooxda Arsenal ee ka tirsan horyaalka dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in macallinka kooxda Wolves, Nuno Espirito Santo, uu yahay qofka ay suurtagal tahay inuu baddali karo tababarahooda Unai Emery, haddii ay kooxdu go'aansato inay eriso Emery. Unai Emery ayaa wajahaya cadaadis xoog badan ka dib markii ay kooxdu wax guul ah ka gaari weysay lix kulan oo isku xigta, oo ka mid ah dhammaan tartammada. Arsenal ayaa guulo kasoo hoyisay kaliya afar kulan oo ka mid ah 13-kii jeer ee la ciyaaray horyaalka Ingiriiska ee Premier League, xilli ciyaareedkan. Laanta ciyaaraha ee BBC-da ayaa fahansan in haddii Emery shaqada laga eryo, oo Nuno fursad loo siiyo inuu la hadlo Arsenal, kadib uu macallinka u dhashay Portugal yahay qofka ugu dhow jagadaas. Emery ayaa sheegay inuu hadda diiradda saarayo kulamada uu leeyahay ""maanta iyo barri"", maadaama uu isku diyaarinayo kulanka ay Khamiista ku marti galinayaan kooxda Eintracht Frankfurt, kaasoo qeyb ka ah tartanka koobka Europa League. ""Shaqadeydu waa inaan isku diyaariyo ciyaarta, inaan sameeyo bandhigga ugu fiican ee qanciya taageerayaasheenna"", ayuu yiri. Arsenal waxay ciyaarta Khamiista billaabeysaa iyadoo ugu sarreysa Horinta F, waxayna afar dhibcood oo nadiif ah ka horreysaa kooxda ugu soo dhow. Maalintii Axadda, kooxo ka tirsan taageerayaasha Arsenal ayaa maamulka ugu baaqay inay tallaabo deg deg ah qaadaan." https://www.bbc.com/somali/war-50577970 +health Cudurka Corona: Ma baaritaan sir ah ayey sameyneysay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya? "Telefishin laga leeyahay Kenya ayaa baahiyay warar sheegaya in safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ay sameyneyso baaritaan sir ah oo cudurka corona ah. Telefishinka Citizen wuxuu sheegay in ""warqado caddeyn ah uu helay"" oo ah in safaaradda ay baareyso muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool Islii ee doonaya in ay dib ugu noqdaan Soomaaliya. Wuxuu muujiyay muuqaal ay lagu sheegay in si qarsoodi ah loo duubay oo tusinaya dad sii galaya dhismo ku yaalla xaafadda Islii ee Nairobi. Sida uu TV-ga baahiyay dadkaas waxay u socdeen meesha baaritaanka loogu sameynayay, balse lama caddeyn karo sheegashadaas Citizen TV iyo sababta ay dadkaas halkaa u galayeen. Warqadaha uu telefishinka soo bandhigay waxaa ka muuqda in baaritaanka uu sameeyay sharbaarka Lancet ee Nairobi. Haddaba, dawladda Soomaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay warkaas. Safiirka Soomaaliya u fadhiaya Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay isagoo sheegay in aysan sir ahayn in dadku ay iska baaraan cudurka, ayadoo la raacayo tilmaamaha dawladda Kenya, laguna baarayo sheybaar ay dawladdu aqoonsan tahay. ""Marka hore, safaaradda Soomaaliya isbitaal ma lahan, mana jiro isbitaal ay heshiis la geli karto"", ayuu yiri safiirka oo BBC Somali la hadlay. ""Dowladda Kenya ayaa tilmaamo bixisay waxaana shardi ah in qofkii ka baxaya halka uu caafimaad qabo uusanna qabin coronavirus. Anaku xaq waxaan u leenahay in dadkeena ku xayiran halkan aan daadgureyno, dowladda Kenya iyo anaguna waan isku waafaqnay, dowladdeena Soomaaliyana waan isku raacnay"", ayuu hadalka ku sii daray. Wareysiga oo dhameystiran halkan ka dhageyso. Sidoo kale, Dr Axmed Kalebi oo ka tirsan Shaybaarka Lancet ayaa beeniyay in ""baaritaan qarsoodi"" ah ay u sameeyeen safaaradda Soomaaliya ee Nairobi. Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray: ""Ma jiro baaritaan sir ah oo safaaradda Soomaaliya iyo Lancet ay ka sameeyeen Islii. Safaarado badan iyo shirkadi diyaarado ayaa baaraya rakaabka duulimaadyada. Natiijadana markasta waalala wadaagaa wasaaradda Caafimaadka ee Kenya"". Wuxuu sidoo kale seegay: ""Warbixinta uu baahiyay Telefishinka Citizen… waa mid gebi ahaanba aan sal-lahayn, beenna ah"". ""Warbixinta waa mid marin habaabin iyo been abuur ah! Ma jirin wax qarsoodi ah oo ku saabsan baaritaan ay Safaaradda u sameysay dadka doonaya in ay dib ugu noqdaan Soomaaliya…""." https://www.bbc.com/somali/war-52719467 +health Talaal loo riyaaqay oo fayraska korona loo helay "Talaal loogu talo galay fayraska korona oo ay samaysay Jaamacadda Oxford, ayey u badantahay in aanu aadanaha waxba yeelayn oo uu carinayo difaaca jidhka. Dad lagu tijaabiyey oo tiradoodu gaadhayso 1077 qof ayaa muujiyey in jidhkoodu samaystay maadada difaaca jidhka ee Antibodies-ka la yidhaa iyo sidoo kale T-cells oo la dagaalami kara fayraska korona. Natiijadan soo baxday waxay abuurtay rajo weyn, laakiin wali si buuxda looma odhan karo talaalkani si buuxda ayuu qofka uga difaaci karaa laakiin waxa socda tijaabooyin kale oo intan ka badan. Ingiriiska ayaa durba dalbaday 100 milyan oo irbadood oo talaalkaas ah. Talaalkan waxa la yidhaa ChAdOx1 nCov-19 waxaana lagu samaynayaa dardar aan hore loo arag. Waxa laga sameeyey fayras laga soo dheegay fayraska keena hargabka caadiga ah ee ku dhaca nooc daayeerada ka mid ah. Dabeetana si weyn baa loo dhalan rogay, waa ta koobaade dadku ma kala qaadi karaan waxaana sidoo kale loo ekaysiiyey fayraska corona. Saynisyahannadu waxay sameeyeen waxa weeyi in ay hidde sideyaashiisii taranka qaabilsanaa talaalkan ay sameeyeen ku dhaabaan ""fallaadhihiisa duxda ah"" taas oo ah waxa keliya ee u sahla inuu fayraskani galo unugyada jidhka. Arintaasi waxay ka dhigantahay in talaalku u ekaanayo fayraska korona sidaa awgeedna uu hab-dhiska difaaca jidhka barayo inuu weeraro [fayraska karona]. Waxa aadka loo danaynayey ee ku saabsan fayraska korona wuxu ahaa maadada Antibodies, laakiin taasi waa qayb keli ah oo ka mid ah hab-dhiska difaaca jidhka. Antibodies-ku waa dux yaryar oo uu soo saaro hab-dhiska difaacu oo isku daboosha oogada fayrasyada. Waxaanay Antibodies-kaasi dili karaan fayraska korona. T-cells waa nooc ka mid ah unugyada dhiigga cad oo kaalin weyn ka ciyaara wadashaqaynta hab-dhiska difaaca waxaanay awood u leeyihiin in ay dareemaan unugyada jidhka kuwooda fayrasku galay oo ay baabiiyaan. Borofesoor Andrew Pollard oo ka tirsan kooxda cilmi-baadheyaasha Oxford ayaa BBC-da ku yidhi ""run ahaantii waanu ku faraxsannahay natiijada maanta aanu soo saarnay maadaama oo aan halnay labada maaddo ee fayraska dili kara ee kala ah Antibodies iyo T-cells"". ""Rajo weyn baa ka muuqatay waxaanan rumaysannahay in nooca falcelineed ee ka dhalanayaa uu difaac noqon karo. Laakiin su'aasha muhiimka ah ee qof kastaa doonayo jawaabteedu waxa weeyi talaalkani ma shaqaynayaa, fayraska [dadka] ma ka difaacayaa……. Laakiin waan ka dhursugaynaa"". ""Cilmi-baadhistani waxay muujisay in 90% dadka [talaalka lagu tijaabiyey] ay yeesheen maadada Antibodies-ka ee dilaysa fayraska markay kol qudha qaateen talaalka. Boqolkiiba toban keliya ayaa laba goor la talaalay oo iyaguna sidoo kale yeeshay maadadaa fayraska dilaysa"" ayuu intaa ku daray. Haa, laakiin waxa jira saamayn uu yeelan karo. Ma jirto saamayn halis ah oo talaalku keeni karo, hase yeeshee 70% dadkii lagu tijaabiyey waxay yeesheen xummada ama madax xanuun. Cilmi baadheyaashu waxay sheegeen in arintaa lagu dawayn karo xanuun baabiiyahay baarasitamoolka. Borofesoor Sarah Gilbert oo ka tirsan Jaamacadda Oxford, ayaa tidhi ""weli waxa hadhsan shaqo badan oo ay tahay in la qabto inta aan la go'aamin in talaalkan fayraska korona lagaga hortagi karo, laakiin ilaa hadda natiijooyinka hordhaca ah ee soo baxaya yididiilo ayay abuurayaan"". Natiijada soo baxday yididiilo ayay abuurtay, laakiin ujeedada ugu wayni waxa weeyi in lagu qanco in talaalkani yahay mid badqaba oo dadka la siin karo. Cilmi-baadhistu ma caddaynayso in talaalku ka hortagi karo in dadku bukoodaan ama uu khafiifin karo calaamadaha cudurka Covid-19 [hadii ay qaadaan] toona. In ka badan 10,000 oo qof oo kale oo Ingiriiska ku nool ayaa ka qayb geli doona heerka labaad ee tijaabada. Waxa sidoo kale tijaabadan labaad la gaadhsiin doonaa dalal kale maadaama oo heerka fayraska korona ee Ingiriisku haatan hoos u dhacay oo ay adkaanayso in lagu ogaado wax tarka talaalka. Waxa tijaabo ballaadhan laga samayn doonaa dalka Maraykanka oo 30,000 oo qof ka qayb geli doonaan iyo sidoo kale Koonfur Afrika 2000 oo qof iyo Barazil oo 5000 oo qof ah." https://www.bbc.com/somali/53481778 +technology Sida 52 qof loogu khiyaanay shaqo been abuur ah "Shirkii dhanka Zoom-ka ahaa waxaa ku jirtay ilaa 40 qof, shirka ay lahaayeen shaqaalaha shirkadda qaabilsan naqshadeynta waxaa loogu baaqay inay soo dhaweeyaan shaqaalaha cusub ee dhawaan la qoray, shirkadda magaceeda wuxuu ahaa Madbird halka ninkii madaxda ka ahaa la oran jiray Cali Ayad, qof kastana wuxuu ka doonayay in uu noqdo qof firfircoon sidiisa oo kale. Laakin waxa ay garan waayeen kuwa kamaradahooda shitay in qaar ka mid ah kuwa kale ee shirka ka soo qayb galay aanay ahayn dad dhab ah oo aysan garaneyn wajiyadooda, dadka qaarkood waxay lahaayeen Emailo , waxaa sidoo kale u furnaa barta LinkedIn, laakin magacyadooda saxda ah ma aheyn kuwa sax ah dad kale wajiyadooda ayay adeegsanayeen. Dhammaan arrinta waxay aheyd mid been abuur ah, BBC ayaa muddo sanad ah ku qaadatay baaritaanka waxa dhacay. Chris Doocey, oo ah 27 jir maareeyaha iibka ah oo fadhigiisu yahay Manchester, wuxuu shaqo ka bilaabay Madbird Oktoobar 2020, dhawr bilood ka hor wicitaanka Zoom. Waxaa loo sheegay inuu ka shaqayn doono guriga. waxaa dunida si ba'an u saameeyay cudurka Covid-19, waana sababta Chris uu shaqo uga raadsaday Madbird, xayeysiintu waxay tilmaantay ""wakaaladda naqshadaynta Digital-ka ah ee bani'aadamka xuddunta yahay oo kasoo baxda London, oo adduunka oo dhan ka shaqeysa"". Waxay ula ekaatay mid wanaagsan. Madbird waxay shaqaaleysiisay in ka badan 50 qof oo kale. Intooda badan waxay ka shaqeeyeen iibka, qaar nakhshadaha iyo qaar kale oo laga dhigay kormeerayaal. dadka cusub ee ku soo biiray waxaa la faray inay guryaha ka shaqeeyaan -waxaa si toos ah farriimo laisugu dirayay Email-ka iyo barta Zoom-ka. Shaqaale kale ayaa ku noolaa meel ka baxsan UK, qof kastana wuxuu galay suuqyada caalamiga ah, Waaxda shaqaaleysiinta ee Madbird ayaa internetka ku baahisay xayeysiisyada shaqo ku saabsan iibka caalamiga ah oo fadhigeedu yahay Dubai. Ugu yaraan toban qof oo ka kala yimid Uganda, India, South Africa, Philippines iyo meelo kale ayaa la shaqaaleysiiyay. Waxaa shaqaalaha loo sheegay in marka ay ka gudbaan muddada tijaabada ah oo lix bilood aheyd in la siin doono dal ku galka dalka UK, Waxay shirkadda Madrib bixineysaa kharashka qofkaa uu ku tegayo UK. Ali Ayad wuu ogaa waxa ay noqon karto in nolol cusub laga sameeyo UK. Waxa uu inta badan kala hadli jiray shaqaalaha Madbird noloshiisii ​​hore ka hor inta uusan degin London. Laakiin waxaa jiray qaybo badan oo sheekadiisa ah hal qof waxa uu isu baray Mormon, oo ka yimid Utah ee Maraykanka. Dadka qaar wuxuu u sheegay inuu kasoo jeedo Mareykanka halka qaar uu u sheegay in uu kasoo jeedo dalka Lubnaan. Xitaa marar qaar wuxuu isugu yeeri jiray Ayyad iyo Alex Ayd"". Cali wuxuu inta badan shaqaalaha u sheegi jiray sheekooyin joogto ah-wuxuu sheegay in wakhti uu ku qaatay shirkadda Nike oo uu ka ahaa naqshadeeya dhanka hal abuurka, wuxuu qof kasta u sheegi jiray in uu ka shaqeeyo xarun wax xayeysiisa oo ku taalla gobolka Oregon ee dalka Mareykanka, Waxay ahayd meeshii uu kula kulmay Dave Stanfield, oo ah aasaasihii Madbird. Sheekooyinka guusha Cali uma ekeyn kuwa been abuur ah, wuxuu ahaa howlwadeen ku takhasusay wicitaanka muuqaallada, waa nin cod kar ah, Wuxuu u hadlay si kalsooni leh, mararka qaarkoodna wuxuu u cagajugleyn jiray shaqaalaha, Waa arrinta ku khasabtay in ugu yaraan saddex qof ay shaqada isaga tegaan. Shaqaalaha Madbird wax shaki ah kama aysan qabin sheekada Nike, waxay inta badan macluumaadkiisa ka eegi jiray barta LinkedIn. Inta aysan fashilmin shirkadda been abuurka ah ee Madbird, waxyabaaha ay shaqaalaha ka cabanayeen ayaa aheyd in wax mushaar ah aysan qaadan. Waxaa shaqaalaha lagu la heshiiyay inay marka ay dhameystaan muddada lix bilood ee tijaabada ah la siin doono ($47,300) oo doolar. Wax heshiis ah lalama gelin dhalinyaradan, marka la gaaray bishan Febraayo shaqaalaha ma aysan saxeexin wax qanddaraas ah iyo lacagtoona ah. Qaar kamid ah shaaqalaha ayaa isaga tagey shaqada balse intooda badan wey joogeen-intooda badan lix bilood ayay halkaas joogeen, qaarkood waxay nolosha ku khasabtay in lacago amaah ah ay soo qaataan si ay ugu maareeyaan nolosha qoysaskooda. Gemma Brett iyo Antonia Stuart waxay ahaayeen laba shaqaale oo ka shakiyay shirkaddan, Ka dib markii internetka ay baaritaan ka sameeyeen iyaga oo isticmaalaya sawirro muuqaal ah, waxay ogaadeen in qaar badan oo ka mid ah asxaabtooda aysan jirin. waxay go'aansadeen in dhammaan shaqaalaha ay u direen Email. Waxay ku eedeeyrreen aasaasaha shirkadda Madbird ""Anshax xumo"" oo kamid yihiin in uu ka kacay falal xatooyo iyo shaqo been abuur ah. Waxay u muuqatay in shaqaalaha lagu khiyaanay shaqo been abuur ah isla markaana aysan heli wax lacag ah muddadii ay shaqeynayeen. Waana xilliggii aan bilownay baaritaanka, waxaan xaqiijinay Email-ka la diray. Shirkadda muddo 10 sano ah kama aysan shaqeyneyn badeecadaha laisaga gudbiyo caalamka iyo gudaha, sida lagu xusay Emailka, Ali Ayad wuxuu shirkadda Madbird ka diiwaangeliyay UK isla maalintii uu shaqaaleysiiyay Chris Doocey- 23 September 2020. Ugu yaraan lix ka mid ah shaqaalaha ugu sarreeya ee Madbird waxay ahaayeen kuwo been abuur ah. magacyada waa laiska sameeyay iyadoo la isticmaalayo sawiro laga soo xaday interneedka iyo magacyo been abuur ah oo la sameeyay. Iyadoo la adeegsanayo teknooloojiyadda aqoonsiga wajiga waxaan isku barbardhignay sawirka Dave Stanfield iyo qofkii iska lahaa sawirkjaas, waxaa inoo soo baxday magaca nin la yiraahdo Michal Kalis. markii aan la xiriirnay wuxuu inoo sheegay in ku noo l yhaya Paraguay isla markaana uu ka shaqeysto xanaaneynta Shinnida, wuxuu sheegay in uusan xitaa maqlin magaca 'Madbird, 'Ali Ayad' ama Dave Stanfield. Uganda oo baaraysa tallaal ''been abuur ah'' ""Dhaqtar-dhaqameedkii ii sheegay inuu iga daweeyay HIV"" Boqolaal dumar ah oo ‘qaaday uur’ been abuur ah Tusaale ahaan, nin shirkadda been abuurka ah u qaabilsanaa naqshadeynta sawirrada iyo muuqaalada ayaa adeegsanayay sawir been ah. Dhammaan sawirrada waxay ahaayeen kuwo lasoo xaday si loogu been abuurto dad kale. Waxaan la xiriirnay dhammaan shirakadiihii ay sheegan jirtay Madbird inay macaamiil u ahaayeen sida Nike, Tate, iyo Toni & Guy. waxay dhammaantood sheegeen in weligood wax shaqo aysan dhexmarin Madbird. Markii aan baaritaan ku sameynay arrinta, waxaan ogaanay in Ali Ayad uusan weligii la shaqeynin Nike, shirkaddana wey xaqiijisay arrintaas. Shaqaalihii ayaa qaatay deymo iyagoo mar uun ku han weynaa in lix bilood kadib lacag la siin doono taas oo aan dhicin. Waxaana shaqaalahaas kamid ahaa Elvis John oo asaal ahaan kasoo jeeday Chennai Hindiya, wuxuu rajeynayay in mar uun la geeyo UK kadib marka uu dhameysto lixda bilood ee tijaabada ah si shirkadda Madbird ay uga bixiso kharashak fiisaha UK markii uu arkay Emailka daaha ka rogay fadeexaddan aad ayuu welwelay. Waxaan ku aragnay galbeedka London xilli duhur ah bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, wuxuu xirnaa jaakad madow ah, wuxuu isku dayay inuu iska dhaga tiro su'aalaha aan weydineynay-markii wuxuu ku khasbanaaday inuu ka jawaabo. Wuxuu ku adkeystay in uu waday isku day uu wax wanaagsan kula imaanayay. ""Waxan aan ogahay ayaa ah in fursado aan u abuurnay dadka kadib saameynta ka dhalatay Covid-19"" Markii aan ku eedeynay in uu sameeyay wajiyo been abuur ah isla markaana uu xaday shaqo dad kale ay lahaayeen, aad buu u xanaaqay. Wuxuu sidoo kale ku adkeystay in shirkadda Madbird ay laheyd xafiis aan rasmi aheyn, ""Khasab ma ahan in aad Kombiyuutar hor fariisato? waa shirkad Digital ah"" Markii wuu ka gaabsaday in uu ka jawaabo su'aalaha. Waxaa naqshadeysay Lilly Huynh" https://www.bbc.com/somali/war-60450891 +sports Maxay tahay ciyaarta natiijadeeda taariikhiga tahay ee haweeneydan ku dirtay dowladda iyo shacabka waddankeeda? "Si la mid ah malaayiin qof oo caalamka ku nool, Nafeesa Attari waxay isha ku heysay shaashadda telefishinkeeda markii Hindiya ay la ciyaartay Pakistan kulankii furitaanka ee tartanka Koobka Adduunka ee T20. Haweeneydan oo macallimad ka ah iskuul, kana soo jeedda magaalada Udaipur ee waqooyiga Hindiya waxa ay sidoo kale daawatay ciyaartii ay Pakistan 10 tuurasho uga guuleysatay Hindiya, laguna tilmaamay guul nadiif ah. Maalmo kaddib waa la xiray waxaana la geeyay xabsiga saldhigga booliska. Dambiga sida muuqata lagu heysto waa: sida ay Whatsapp status-keeda ugu dabaaldagtay iyagoo muujineysa sida ay ugu faraxsan tahay guusha Pakistan. Waxa ay ka mid tahay dad badan oo Muslimiin ah oo ku nool Hindiya oo loo xiray sabab ku saabsan taageerada ay u muujiyeen Pakistan, gaar ahaan ciyaartii ugu dambeysay, arrintaasoo sare u qaadday walaaca laga qabo ilaalinta xorriyadda hadalka ee waddanka ay ka jirto dimuqraaddiyadda ugu wayn caalamka. Dadka kormeera ilaalinta xuquuqda ayaa ku dooday in go'aannada lagu xiray dadkan ay yihiin hubkii ugu dmabeeyay ee ay adeegsaneyso dowladda Hindiya ee ay hoggaamiyaan xisbiga Bharatiya Janata Party's (BJP), ujeeddaduna ay tahay in marmarsiiyo loo helo dhibaateynta dadka Muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay, inkastoo arrintaas ay dowladdu beenisay. Ms Attari ayaa WhatsApp-ka kusoo qortay ""Jeeeet gayeeee… We wonnn,"" oo micnaheedu yahay eray dabaal dag ah oo muujinaya farxadda qof guuleystay. Waxa ay qoraalkaas soo raacisay sawirka kooxda Pakistan. Waxaa qoraalkeeda arkay waalidka mid ka mid ah ardaydeeda, kaasoo usii diray dad kale ka hor inta uusan si weyn ugu faafin baraha bulshada. Ms Attari waxaa durbadiiba laga eryay shaqadii iskuulka, waxaana la dhigay xabsiga iyadoo lagu fulinayo ""sharci loo adeegsado dadka ku xad gudba sharafta waddanka"". Mar ay wareysi siineysay telefishin maxalli ah waxaa laga arkayay inuu ka muuqdo walwal aad u weyn, waxayna raalligelin ka bixisay inay khalad sameysay. ""Qof ayaa iisoo diray farriin uu uga soo jawaabay qoraalka iyo sawirka aan soo dhigay, wuxuuna i weydiiyay inaan taageerayay Pakistan. Maadaama ay su'aashu u muuqatay mid si ciyaar ciyaar ah la ii weydiinayana, waxaan ku jawaabay haa"", ayay tiri. ""Tani micnaheeda ma aha inaan taageero Pakistan. Aniga waxaan ahay Hindi, waan jeclahay Hindiya."" Kaddib markii damiin looga soo daayay xabsiga, waxay ku laabatay gurigeeda oo ay la joogaan ninkeeda iyo cunug yar, haddana waxay la dagaallameysaa dacwadda lagu soo oogay. ""Boosliska waxay sameeyeen waa khalad gabi ahaanba. Haddii uu qof ku dhaqaaqo khalad ama aadan fikirkiisa ku raacsaneyn, ma aha dambi ama khiyaano qaran toona,"" ayuu yiri qareenkeeda oo lagu magacaabo Rajesh Singhvi. ""Tallaabadan waxay kasoo horjeeddaa dastuurkeenna iyo sharciga waddanka,"" ayuu sii raaciyay. Rajendra Parmar, oo xubin ka ah xisbiga Hinduuga ee ku mayalka adag qarannimada, Bajrang Dal, ayaa Ms Attari ku dacweeyay booliska. ""Dadka noocan ah waa inay aadaan Pakistan. Hindiya ayaad ku nooshahay, halkan ayaad nolol maalmeedka ka heshaa balse waxaad u dabaaldageysaa kuwaas guushooda,"" ayuu ku yiri BBC-da. Mr Parmar waxa uu sheegay inuusan ka qoomameyn doonin dacwadda uu ka gudbiyay haweeneydaas. ""Kani waa inuu cashir u noqdo iyada. Waa macallimad iskuul. Waxbarasho noocee ah ayay siin kartaa carruurtaas?"" Hadalladiisa waxa ay sii xoojin karaan cadaawadda u dhaxeysa dad badan oo Hindiya iyo Pakistan u kala dhashay oo markii horeba ay colaad ka dhaxeysay tan iyo wixii ka dambeeyay xilligii ay ku kala go'een Gumeysigii Hindiya ee Britain Koox ardayda caafimaadka ah oo ku sugan gobolka Kahsmir ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwado noocan ah - oo loo cuskaday xeerka adag ee la dagaallanka argagixisada - iyagoo lagu eedeynayo inay garab taagnaayeen kooxda Cricket-ka ee Pakistan. Tallaabadaas kaddib, gobolka Kashmir waxaa ruxay dibadbaxyo lagu dalbanayo in ardayda caafimaadka la sii daayo. Qoysaska dadkooda loo xiray arrintan awgeed ayaa aaminsan in dowladdu ay ujeeddo kale ka leedahay howlgalladan, saxna aysan ahayn. Toddobo qof oo ku sugan gobolka Utar Pradesh ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay u dabaaldageen guusha Pakistan. Ma aha markii ugu horreysay ee ciyaar cricket ah ay kiciso caro xoog leh oo jawaabtan noocan ah laga bixiyay. Sanadkii 2014-kii, 60 arday oo reer Kashmir ah oo ku sugnaa gobolka Uttar Pradesh ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inay u dabaaldagayeen kooxdii Pakistan ee kasoo horjeedday Hindiya. Balse dacwadahaas ayaa markii dambe la iska laalay kaddib markii cadaadis xoog leh uu ka yimid wasaaradda sharciga. Ciyaaraha Cricet-ka ayaa mar walba ahaa kuwo ay ku faanaan Hindida balse daraasado dhawaanahan la sameeyay waxa ay muujiyeen in 56% ka mid ah dadka waaweyn ee reer Hindiya ay ka dhaadhacsan tahay in waddaniyaddu ay qayb ka tahay taageeridda kooxda ciyaartoyda ah ee Hindiya, taasna ay waajib ku tahay qofka Hindiga ah. Tusaalooyin noocan oo kale ah ayaa sidoo kale laga soo tabiyay dhanka kale ee xuduudda oo ah waddanka Pakistan. Sanadkii 2016-kii, taageere u dhashay Pakistan oo taageerayay kabtanka kooxda Hindiya, Virat Kohli, ayaa la xiray kaddib markii uu surtay calanka Hindiya isagoo ku sharfaya. Cricket-ka labada waddanka way ku dhaartaan balse xarigga ugu dambeeyay ee ka dhacay Hindiya waxa uu lama filaan ku yahay dadka u dooda xuquuqda hadalka." https://www.bbc.com/somali/war-59150702 +health Astaamaha cudurka halista ah ee Ebola ee ay ka digtay dowladda Soomaaliya iyo sida lagu kala qaado W.Q: Abdirahman Taysiir - Weriye sare, BBC Somali Dowladda Soomaaliya ayaa digniin soo saaray markii lagu dhawaaqay in cudurka dilaaga ah ee Ebola uu ka dillaacay dalka Uganda. Wasaaradda caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay 21-kii Sebteembar ugu sheegtay dadka inay ka taxaddaraan cudurka Ebola. Waxay intaas ku dartay in iyadoo kaashaneysa wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo hay’adaha qaran ee u xilsaaran ilaalinta xudduudaha iyo marinnada isu-gudubka bulshada ay qaadi doonto talaabooyin looga hortagayo in uu cudurku soo galo dalka. Wasaaradda ayaa xustay in iyagoo kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay billaabi doonto diyaar-garowga lagama-maarmaanka ah iyo habab ka hor-tag oo ay uga jawaabeyso xaaladda, sida in baaritaanno la marsiiyo dadka safarka ah. Isniintii oo ay taariikhdu ku beegneyd 19-kii Sebteembar ayay wasaaradda caafimaadka Uganda shaacisay in nin ay da’diisu tahay 24 jir uu u dhintay cudurka Ebola. Dowladdu waxay baaritaan ku waddaa in sababta dhimashada ee toddobo qof oo kale ay la xiriirto cudurka. Shalay oo Khamiis ahayd waxay wasaaradda caafimaadka ee Uganda xaqiijisay lix kiis oo kale oo Ebola ah. Uganda waxaa ku nool Soomaali badan oo u dib ugu safra dalka. Haddaba astaamaha cudurka, sida uu u faafo iyo qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo ayaan ka wareysannay Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) oo khabiir ku ah cudurrada faafa. Dhaqatarku wuxuu sheegay in Ebola uu yahay cudur uu keeno fayras la yiraahdo Ebola oo markii ugu horreysay lagu arkay webiga Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo. Waa cudur ku dhici kara dadka iyo xoolahaba, kuna faafay dalal badan oo Afrika ah. Dr. Fuje wuxuu xusay inuu cudurku ku dhici karo xoolaha, sida kibilliga (fiidmeerta) iyo daanyeerrada waaweyn. “Waa cudur awood u leh qofkii inuu qof kale u gudbiyo, haddii qof jirran iyo adiga aad xiriir isku dhow yeelataan oo isku meel aad ku nooshihiin waa wax kugu dhici kara,” ayuu yiri Dr. Fuje. Calaamadaha Dhaqtarka oo wareysi siiyay BBC Somali ayaa sheegay inuu Ebola ku billowdo qaab hargabka oo kale ah, qandho, murqo-xanuun, dhuun-xanuun, lafo-xanuun iyo jajab badan. Laakiin kaddib wuxuu yeeshaa calaamado qoyaan leh. Qofka uu cudurku ku dhaco waxaa lagu arkaa matag iyo shuban badan, indhuhu way gaduudanayaan, dhuun-xanuunku wuu sii badanayaa. Mararka qaarna dhiig-bax badan ayaa imaanaya, sida uu tilmaamay Dr Fuje. “Waa cudur dilaa ah oo sidaas u faafa oo dadkii dadka la joogayna ay qaadi karaan, shaqaalihii u adeegayay oo u shaqeynayay haddii dhiiggii iyo dheecaankii iyo candhuuftii iyo wixii ay gaaraan, waxaa weeye cudur dadkii ku dhacaya,” ayuu yiri. Sidee ayaa lagu kala qaadaa? Dr. Fuje oo sharraxaya wuxuu yiri: “Xanuunkan waxaa lagu kala qaadaa horta isku dhowaansho, in aad la isugu dhowaado, qofkaan dheecaankiisa inuu ku gaaro, ama meel dheecaankiisa uu gaaray aad taabatid, kaddib indhihii iyo sankii iyo afkii aad gashatid. Waa dadka la nool [bukaannada laga helay] dadka qaadi kara.” Wuxuu intaa ku daray: “Waa cudur isu gudbintiisu uu aad u sahlan yahay. Waxaa intaas sii dheer isku galmoodkana waa lagu kala qaadaa. Qof uu ku dhacay cudurka haddii galmood uu mar dambe sameeyo ilaa la xaqiijiyo in manidiisa aysan ku jirin. Waa cudur imaan karaya oo u gudbi kara qofkii dumarka ahaa. Taxaddar badan ayuu u baahan yahay.” “Waxaa kale oo aad ka qaadi kartaa haddii xoolihii cudurka qabay sida – dadka qaar ma og tahay xoolaha way ugaarsadaan – xoolihii qabay haddii aad iyagana xiriir la sameyso, cuntadii aan karsaneyn aad cunto ama dhiiggooda ama dheecaankooda uu ku gaaro, iyadana waad ku qaadi kartaa,” ayuu sii raaciyay. Sidee la isaga ilaalin karaa ama looga hortagi karaa? Dhaqtarku wuxuu sheegay in uu dhib weyn ka dhalan karo haddii shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalaya bukaanka qaba Ebola ay gaaraan dheecaannadiisa. Wuxuu ku taliyay qofka xaaladdaas ku sugan inuu jirkiisa oo dhan daboolo, isla markaana uu xirto agabka looga hortago cudurrada faafa, sida gacmo-gashi, kabo, indhaha iyo wejiga inuu daboosho oo maaski uu xirto. “Khatarta ugu weyn waxayba tahay shaqaalihii [bukaanka] u adeegayay haddii uu ku dhaco, maalinta dambe waxaa la gaari doonaa in ay ka cararaan ama ay u dhintaan cudurkii,” ayuu yiri Dr. Fuje. Wuxuu ku taliyay in bulshada caadiga ah loo sameeyo wacyigelin, loona sheego cudurku wuxuu yahay, calaamadihiisa, sida uu ku faafo iyo haddii ay isku arkaan caalamadaha waxa ay sameyn karaan iyo meesha ay tagi karaan. Sidaas si la mid ah, wuxuu soo jeediyay in dadka ka yimid dalalka laga sheegay cudurka si dhow loola socdo xaaladdooda, gaar ahaan muddo 21-ka maalin ah in meel lagu hayo oo la ogaado in ay yeesheen calaamadaha cudurka iyo in kale. Wuxuu lama-huraan u arkaa in ay dadku ka fogaadaan dadka looga shakiyo ama laga helo cudurka. “Waa inay qofkii jirranaa ilaa la caddeeyo inay jirradii ka wada baxday oo uu ka raystay la iska jiro,” ayuu yiri. https://www.bbc.com/somali/articles/c9x1ryzdj7zo +health Halyeeyada la hilmaamay ee aanay jirin cid ka hadashay "Subax ka mid ah bishii Juun, Deep Chand ayaa waxaa uu la kulmay qof ka tirsan qoyskiisa oo taagan banaanka kore ee qeybta la seexiyo dadka qaba xanuunka Covid-19 ee isbitaal ku yaalla magaalada Delhi ee dalkaasi Hindiya. Ninka aad ayuu ugu baahnaa in uu la hadlo dhaqtar ama kalkaaliye si uu u ogaado xaaladda qof ay ehelo ahaayeen oo ku jiray qeybta dadka xanuunka Covid-19. Balse maalin aad u adag ayay u ahayd dhakhaatiirta, oo waxaa geeriyooday bukaanada qaar halka qaar kalana ay ku jireeen xaalad adag, bukaano cusub-na waa la keenayey. Marka sidaa darteed Deep Chand oo caawiye ka ahaa qeybtaasi ayaa soo aaday dhinaca ninka, waxaa uuna weydiiyay haddii uu caawin karo. Nin kaasi waxa uu ahaa aniga, waxaanan isku dayayey in aan ogaado sida ay tahay xaaladda seedigeey . Muddo seddex maalmood ah ayaa laga joogay markii lagu xiray qalabka xaaladda deg dega ah ee caawiya neefsashada. Sida caadiga ah dhaqaatiirta maalin walba ayay ina soo wacayeen si ay noogu sheegaan wixii soo kordhay, balse maalintaasi ma jirin qof u muuqda in uu arintaasi waqti u heli karay. Markii Deep Chand uu ii yimid waxaan u maleeyay in uu dhakhtar yahay sababtoo ah waxaa uu xirnaa qalabka difaaca shaqsiga ee loo yaqaano PPE waxaana weydiiyey su' aalo dhawr ah. ""Aniga waxaan ahay ilaalada caawiyaha qeybtan kugumana caawin karo inaan kaaga jawaabo su'aalahaaga,"" ayuu yiri. Waxaan ahaa qof aad u walwalsan oo xitaa careysan, balse waxaa uu iigu jawaabay cod dabacsan oo aan dhibsi ku jirin. Waxaa uu ii sheegay in qalabka neefsashada ee seedigey uu heer fiican marayo, oo uusan xaalad adag gelin tobankii saac ee ugu danbeeyey. Sidaasi ayay ahayd qaabkii aan kula kulmay Deep Chand oo 28 sanno jir ah. Wiilasha gacanyaraha ah, waa dadka ugu hooseeya marka laga hadlayo dadka ka shaqeeya isbitaalada. Ma lahan tababar caafimaad shaqadooduna waa in ay caawiyaan dhaqaatiirta, kal kaaliyeyaasha iyo xitaa bukaanada. Waxaana shaqadooda ka mid ah iney sheybaarka geeyaan muunadaha, iney baaskiilada ku qaadaan dadka loo diro raajada, iney cuntada u geeyaan bukaanada xanuunsan ee isbitaalka jiifa iyo maraka qaar in ay la hadlaan dadka xanuunsan. Inkastoo ay jiraan dhibaatooyinka fayraska corona wiilasha waxaa ay noqdeen cawiyeyaal aan dhankasta looga maarmin. Waligeey ma ilaabayo caawimaadii Deep Chand sababtoo ah waxay ahayd wax aan aad ugu baahnaa in aan maqlo anigoo saacado badan afaafka xarunta caafimaadka la taagnaa walwal iyo cabsi. Waxaan maqli karayey shanqarta mashiinada, iyo dhawaqa bukaannada xanuunsan iyo sidoo kale doodda dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha oo qalab is dhaafnaya. Waxaan sidoo kale xasuustaa bukaan oranaya ""Ma neefsan karayo, fadlan I bad-baadi"" Erayadii Deep Chand ayaa baabi'iyey cabsideeydii oo waxaan markiiba ku cararay dhanka baakinada baabuurta si aan u war galiyo qoyskeega, innaga oo aan xasiloonayn ayaa wada dhoola cadeynay oo waliba meel kala fog kala taagan. Tani waa qaybtii ugu darnayd sababtoo ah ma aanan awoodin inaan is marxabeeyno oo aan is gacan qaadno inagoo u baahan inaan isugu nafisno oo niyadda u dhisano. Xitaa maalinkii uu dhaqtarka inoo sheegay ""12 ka saacadood ee xiga xaaladu wey adagtahay"" Dhammaanteen si xun ayaan u niyad jabnay balse qofkasta gees ayuu u dhacay. Maalmii xigay, xilliyada ay dhakhaatiirtu mashquulsanyihiin waxaan inta badan ku tiirsaneen Deep Chand iyo saaxibadiisii la shaqeynayey. Waxaan saacado badan oo walwal xambaarsan joognay guriga halka saacadaha kalana aanu ku sugnayn isbitaalka si aanu war uga helno qeybta uu ku jiray seedigey. Aad ayay xaaladdu u adkayd labadii todobaad ee ugu horeysay ee bishii Juun xaaladda oo tirada kiisaska covid-19 ayaa aad u korortay. Inta badan isbitaaladana aad ayay u buux-dhaafeen xitaa isbitaalkii uu ku jiray seedigeey. Marka ay dhakhaatiirta ku cel-celiyaan ""Waxkasta way dhici karaan"", Maskaxdaada mugdi ayay galeeysaa oo shaki badan ayaa kuugu abuurmaya. Waxay ahayd mid ka mid xilliyadii igu adkaa nolosheeyda balse naxariista Deep Chand iyo erayadiisii deganaanta ku dheehnayd gaar ahaan marka ay ii suuro geliweyso inaan la hadlo dhakhaatiirta. Haatan oo bil laga joogo xilligaasi ayaan khadka talefoonka kula xiriiray Deep Chand waxaa uuna ii sheegay in weli uu caawinayo qoysaska dhibaateysan. Maalinkasta, wiilasha caawiyayaasha waxay naftooda khatar u geliyaan caawinta dadka ku sugan isbitaalka oo boqolaal ka mid ah uu ku dhacay fayraska corona." https://www.bbc.com/somali/war-53638890 +health Magaalada 'in la neefsadaa' ay qaaliga noqotay """Ogsajiin, ogasajiin, fadlan ogsajiin ma iigu deeqi kartaa"" Sida uu soo werinayo weriye BBC-da ka tirsan oo Hinida ku sugani, waxaa saaka xilli hore toosiyey taleefan ka yimi mid ka macallimiinta dugsiyada ee dalkaas, taaas oo u sheegaysay in odaygeedii xaalad adag oo ogsajiin la'aan ah uu ku jiro, oo ay u baahan tahay meel ay ogsajiin ka heli karto. Taas oo ka dhigan, in qof kastaa gaarkii xaaladda ula daalaadhacayo. Waana maalin kale oo caddaynaysa sida Magaalada Delhi, ay neefsashadu qaaliga u noqotay, kuwa badanna ay ugu adag tahay in ay helaan. Hindiya ayaa diiwaan gelisay rikoodh cusub oo adduunka ah oo ku saabsan cudurrada maalinlaha ah ee coronavirus maalintii afraad oo xidhiidh ah, taas oo culeys dheeraad ah saareysa isbitaallada ay dhibaatooyinka darani ka jiraan.Waxay diiwaan gelisay 349,691 kiis oo kale Axadii, taasoo wadarta ka dhigeysa ku dhowaad 17 milyan tan iyo markii uu cudurku bilaabmay. Waxaana si guud xaaladda maraysaa in dad badan oo Hindi ahi ay kula doodayaan dawladdooda iyo dhkhaatiirtooda, haddii aadan badbaadi karin kuwo aannu jecelnahay fadlan na sii meydadkooda aannu si sharfan u aasannee. Waxaa suuqyada madaw qiime sare lagu kala iibsanayaa ogsajiinta, waxaanad moodda in dalku xaalad dagaal oo adag ku jiro. Isbitaalada cidhiidhiga ah ayaa la daala dhacaya helidda ogsijiin ku filan, taasoo keeneysa in mararkaa dib loo celiyo bukaanno gargaar u baahnaa. Delhi waxay ka mid tahay magaalooyinka leh xarumaha daryeelka caafimaad ee ugu wanaagsan Hindiya, laakiin waa laga adkaaday oo in ka badan 99% dhammaan sariiraheeda daryeelka degdegga ah ayaa buuxa Sabtidii Mareykanku wuxuu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay kororka karoonaha ee Hindiya. Xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken wuxuu sheegay in Mareykanku uu si dhow ula shaqeynayo dowladda Hindiya si uu u ula gaadho taageero iyo agab dheeraad ah. Dowladda India ayaa isticmaalaysa tareenno iyo ciidamada cirka si ay saad ugu daabulaan goobaha ay dhibaatada ka jirto. Meesha se xaalkeedu daran yahay waa caasimadda Delhi, halkaas oo dadku ugu dhinteen cisbitaalada sababo la xiriira oksijiin la'aan. Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay sheegtay in xaaladda Hindiya ay tahay ""xusuusin ba'an"" oo ku aaddan si karoonuhu inoo halligi karo. Tirada dhimashada guud ahaan Hindiya waxay sare u kacday 2,767 afar iyo labaatan saac gudahood ilaa Axada maanta - waana tiradii ugu badneyd ee maalinle ah illaa iyo hadda.Horaantii sanadkaan, dowlada India ayaa rumeysneyd inay ka adkaatay viruska. Kiisaska cusub ee la helaa waxay u dhaadhaceen 11,000 badhtamihii Febraayo, talaallada ayaana loo dhoofinaayay dalalka, bishii Maarso wasiirka caafimaadka wuxuu sheegay in Hindiya ay ""ku jirto dhamaadka"" safmarkan. Si kastaba ha noqotee, tan iyo markaas, korodhkan cusub ayaa cirka isku shareeray, kaas oo ay keeneen soo ifbaxa noocyo cusub, iyo sidoo kale isu imaatinno balladhan, sida xafladda Kumbh Mela, oo soo jiidatay malaayiin xujey ah horraantii bishan. Isbitaalada Delhi ayaa ka digay inay ku sugan yihiin heer burbur ah. Cisbitaalka Holy Family , qeybaha daryeelka degdega ah ayaa buuxsamay mana jirto cid kale oo uu sariiro dheeraad ah u heli karaa. Waana mid ka mid ah cisbitaalladaa magaaladaa ugu caansanmeel sariiro dheeraad ah loo heli karo. ""Ku dhowaad cosbitaal kastaa waa uu buux dhaafay. Haddii oksijiinku dhammaado, ma laha leex-leexad bukaanno badan, dhimasho ayaa hurran"" ayay Dr Sumit Ray u sheegtay BBC. 'Daqiiqado gudahood, way dhiman doonaan. Waxaad arki kartaa bukaanadan: waxay saaran yihiin hawo-qaadeyaasha, waxay u baahan yihiin oksijiin qulqul badan leh, haddii oksijiintu joogsato, badankood waa u dhimasho'" https://www.bbc.com/somali/war-56877247 +politics Trump oo sheegay in Biden oo ku fashilmay hogaaminta Maraykanka "Donald Trump oo jeediyay khudbaddii u horreysay tan iyo markii uu ka baxay Aqalka Cad ayaa sheegay in uusan sameyn doonin xisbi cusub oo siyaasadeed, isagoo u sheegay shir ay Florida ku leeyihiin conservative-ka in tallaabadaas ay kala dhantaali doonto codadka xisbiga Jamhuuriga. Khudbadda oo ahayd tii u horreysay ee uu Trump jeediyo tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Joe Biden, ayaa waxa uu dadka dareensiiyay in madaxtinnimada uu markale u tartami karo doorashada 2024. Trump ayaa si weyn u dhaliilay ninka xilka kala wareegay, isagoo sheegay in uusan mudnaanta siin siyaasadaha danta u ah Maraykanka. ""Joe Biden waxaa soo martay bishii ugu fashilka badneyd ee uu wajaho madaxweyne ka taliya Maraykanka taariikhda casriga ah. Durbadiiba maamulkiisa waxa uu muujiyay inuu ka horjeedo shaqooyinka, qoysaska, xuduudda, tamarta, dumarka iyo weliba sayniska,"" ayuu yiri Trump. Khudbaddiisa ayaa ku soo beegantay todobaadyo kadib markii lagu waayay dacwad ahayd inuu kiciyay dadkii weerarray xarunta baarlamaanka Maraykanka. Wiilka ka daran aabihii Donald Trump Hoggaamiyaha Iiraan oo ku hanjabay duqeynta Trump oo golf ciyaaraya Khudbadda uu ka jeediyay kulanka Orlando ayaa muujinaysa in weli uu galaangal weyn ku dhex leeyahay xisbiga Jamhuuriga. Shirka ayaa waxaa dowr muhiim ah ku lahaa taageerayaasha Trump oo ay ugu cadcad yihiin senator-ka gobolka Texas, Ted Cruz iyo wiilka uu dhalay madaxweynaha hoe ee Donald Trump Jr. Trump waxaa weli saaran xayiraad ay ku soo rogeen baraha bulshada ee Twitter iyo Facebook, kuwaas oo dhaliilay qaabkii uu uga falceliyay weerarkii hubaysnaa ee January ka dhacay xarunta Capitol. Tan iyo markii uu xilka ka degay waxa uu ku noolaa hoygiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida. 74 jirka ayaa aad loo soo dhaweeyay markii uu soo fuulay masraxa shirka oo ka socda huteelka Hyatt Regency. Inta badan dadka goobta ku sugnaa ayaan xirneyn maaskaraha la isaga difaaco Fayraska Korona. ""Waxaan halkan u joognaa inaan ka hadalno mustaqbalka dhad-dhaqaaqeea, mustaqbalka xisbigeena iyo mustaqbalka dalkeena aan jecelnahay,"" ayuu yiri Trump. Waxa uu meesha ka saaray in uu xisbi cusub sameyn doono, isagoo sheegay in warkaas yahay ""been abuur"". ""Waxaan haysanaa xisbiga Jamhuuriga. Waxaan ka shaqeyn doonaa midnimadeena iyo in aan xoojinno xisbiga si ka wanaagsan sidii hore."" Inkastoo looga guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dhacay November, si weyna loogu dhaliilay rabshaddii xarunta baarlamaanka ee January, ayaa hadda waxaa muuqata in Trump uu weli haysto shacbiyad badan. Todobaadkii la soo dhaafay, ra'iyi ururin laga sameeyay Maraykanka ayaa tilmaantay in 46% dadkii su'aalaha la weydiiyay ay sheegeen inay Trump u codeyn lahaayeen haddii uu sameysto xisbi cusub. Xildhibaannada Jamhuuriga ayaa intooda badan weli daacad u ah Trump. Taasi ayaa sabab u ahayd inuu ka badbaado dacwaddii looga soo oogay Congress-ka. Shirka uu khudbadda ka jeediyay Trump oo soo bilowday 1974 ayaa loo arkaa kulanka ugu muhiimsan ay lagu jiheeyo mustaqbalka xisbiga Jamhuuriga." https://www.bbc.com/somali/war-56235581 +politics Maxaad kala socotaa howlgalladii khaaska ahaa ee lagu dilay ama lagu xiray Usaama, Saadaam iyo Qadaafi? "Mareykanka ayaa muddo sannado ah hoggaanka u hayay dadaal lagu doonayay in lagu soo xiro ama lagu dilo madaxda kooxo argagixiso ah ama madaxweyneyaal dalalkooda laga afgambiyay oo loo heysto dambiyo kala duwan. Dadka loogu doon doonista badnaa waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadaam Xuseen, Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Mucamar Qadaafi iyo hoggaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida Usaama bin Laadin. Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa qorshe walba u sameyn jiray sidii ay ugu guuleysan lahaayeen hadafkaas. Qof marka uu noqdo hoggaamiye waddan ama koox waxyaabaha uu fursadda u helo waxaa ka mid ah in la difaaco sharaftiisa oo amnigiisana la sugo. Taas ayaa adkeyneysay in horumar laga gaaro soo qabashadooda ama dilkooda. Haddaba sidee ayay u dhaceen howlgalladii khaaska ahaa ee raggaas ka dhanka ahaa? Ciidamada amaanka iyo kuwa sirdoonka ee Mareykanka ayaa howlgal ay ujeeddadiisu ahyad in lagu xiro ama lagu dilo Usaamada bin Laadin. Ninkan oo ahaa hoggaamiyihii hore ee kooxda A-Qaacida ayaa loo heystay dambiyo uu ka mid yahay weerarkii Mareykanka ka dhacay September 11,2001. Howlgalkan oo lagu magacaabay ""Neptune Spear"" waxaa la qorsheynayay muddo bilooyin ah. Laakiin daqiiqado kooban ayaa lagu fuliyay bishii May ee sanadkii 2011-kii. Koox khaas ah oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa ka safray dalka Afghanistan waxayna xilli saq dhexe ah gaareen meel 192km gudaha u ah dalka Pakistan oo uu ku dhuumanayay Usaama bin Laadin. Ciidankan oo watay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter) ayaa si deg deg ah u weeraray dhismaha la bartilmaameedsanayay, iyagoo halkaas ku toogtay shan ruux oo uu ku jiray Usaama bin Laadin. Qiyaastii 40 daqiiqo kaddib way ka tageen goobta, iyagoo horay usii qaatay meydka Bin laadin iyo qalab kumbuyuutarro ah oo ay ku jirtay xogta sirdoonka ee kooxda Al-Qaacida iyo howlaha ay fulinayeen. Waxay halkaas uga tageen dad kale oo la dilay, oo ay ka mid ahaayeen haweeney iyo mid ka mid ah carruurtii Bin Laadin. Waxay sidoo kale ka tageen koox ka kooban saddex haween ah iyo 13 carruur ah -11 wiil iyo 2 gabdhood - oo gacmaha laga wada xiray. Howlgalkaas oo dhacay 2-dii bishii May waxaa ciidanka caawiyay iftiinka dayaxa oo si fiican wax loogu arkayay. Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas, Barack Obama ayaa soo bandhigay oggolaanshaha weerarka oo la bixiyay subaxnimadii Jimcada ee 29-kii bishii April. Inta uusan howlgalka bilaabanin labo kooxood oo ka tirsan ciidanka Mareykanka ayaa shan diyaaradood looga soo qaaday saldhigga Mareykanka ee magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan. Koox kale ka kooban 24 askari oo watay saddex diyaaradood oo helicopter ah ayaa ku diyaarsanaa meel 10 daqiiqo looga socdo garoonka diyaaradaha. Labo diyaaradood oo kale - oo noocoodu yahay Black Hawk - ayaa u duulay deegaanka Abbottabad. Waxaa labada diyaaradood la socday 23 askari, turjumaan iyo hal eey. Kaddib saddex askari ayaa lagu amray inay raadiyaan Bin Laadin. Markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in mid ka mid ah diyaaradaha ay dul tagto dhismaha dheer ee uu ku jiray Usaama, kaddibna ay askarta kor uga daataan iyagoo xargo uga dagaya diyaaradda. Ujeeddadu waxay ahayd in howlgalka uu ku dhaco shanqar la'aan iyadoo aan cidna hurdada laga toosinin. Markii ay CIA-da billaabeen howlgalka lagu soo xirayo ama lagu soo dilayo Bin Laadin bishii May 2011, dowladda Mareykanku waxay go'aansatay in aysan Pakistan ku wargelinin goorta ay diyaaradaha qumaatiga u kaca galayaan gudaha Pakistan. Waxay ka cabsanayeen in uu qof xogtaas u gudbiyo Bin Laadin, uuna sidaas ku baxsado. 13-kii bishii December, 2003 ayay howlgalkan oo lagu magacaabay ""Red Down"" militariga Mareykanka ka fuliyeen magaalada Ad-Dawr, oo u dhow magaalada Tikrit ee dalka Ciraaq. Waxaa lagu guuleystay in Saadaam Xuseen lasoo xiro isagoo nool. Howlgalka waxaa loogu magac daray filim soo baxay sanadkii 1984-kii. Kaddib markii Saadaam Xuseen xilka looga tuuray dagaalkii Ciraaq, militariga Mareykanku waxay bilaabeen inay raadiyaan madaxweynihii dalka xukumayay iyo saraakiishii sar sare ee maamulka dowladdiisa. Xog ayaa horseedday in loogu tago meel god ah oo u dhow beer ku taalla agagaarka magaalada uu kasoo jeeday ee Tikrit. Ciidankii howlgalka fulinayay oo qorsheynaya in ay bambo ku tuuraan godka ayuu mar qura kasoo baxay Saadaam Xuseen, wuuna is dhiibay, sida uu sheegay Korneyl James Hickey oo hoggaaminayay howlgalkaas. Xogta muhiimka ah ee lagu soo qabtay Saadaam waxaa laga helay nin Baqdaad lagu xiray maalintaas maalintii ka horreysay, sida uu korneylka sheegay. Inkastoo goobtaas horay loo baaray, waxaa suuragal ah in markii hore uusan joogin Saadaam maadaama uu marba meel u baxsanayay. Ma jirin wax telefoonno ama qalab kale oo laga helay goobtii lagu xiray Saadaam Xuseen, taasoo caddeyneysay in uusan wax xiriir ah la lahayn militariga Ciraaq. Laakiin askarta waxay meeshaas ka heleen lacag dhan $750,000 oo kulligeed u sarifneyd $100, labo qori oo AK47 ah iyo boorso yar. Markii ay kacdoonnadii carabta ka bilowdeen Tunisia bishii December 2010, Liibiya kuma aysan jirin liiska dalalka loo maleynayay inay saameynta gaari doonto durba. Qadaafi waxaa loo arkayay inuu ahaa nin maamulkiisu istiraatiiji yahay oo ay u dul qaadanayeen shacabkiisa in ka badan inta loo dul qaatay madaxda kale ee carabta. Laakiin ma uusan ahayn hoggaamiye u janjeera dhinaca dalalka reer galbeedka, sida madaxda kale ee carbeed. Markii uu xoogeystay kacdoonkii dalalka carabta, dalka Liibiyana ay soo gaareen, Qadaafi wuxuu ka cararay aqalkii madaxtooyada. Waxaa la sheegay inuu aad u xasuustay sidii adkeyd ee uu ula tacaalay fallaagadii ku kacday 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii. Wuxuu geeridiisa ula kulmay si bah dil ah kaddib markii xoogagga NTC ee kasoo hor jeeday maamulkiisa ay heleen isagoo ku dhuumanaya biyo mareen dhulka hoostiisa ah. Wuxuu halkaas galay si uu uga badbaado duqeymo ay diyaaradaha Nato oo dalkaas faro galin ku sameeyay la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo uu watay, isagoo isku doonayay inuu ka cararo magaaladii ugu dambeysay ee uu gacanta ku hayay ee Sirte." https://www.bbc.com/somali/war-56933315 +business "Nin Kenya u dhashay oo ragga kala hadla arrin ay bulshadu ""ceeb u aragto""" "Nin u dhashay dalka Kenya ayaa ragga kale ku dhiirrigeliya inay ka hadlaan oo ay bartaan dhiigga caadada haweenka, isagoo meesha ka saaraya fakarka ah inuu yahay dhib haweenka gaar ku ah. Steve Kipepeo, oo ku nool Isku-raranka Mukuru ee magaalada Nairobi, ayaa ka hadla meelaha ay raggu isugu yimaadaan. Wuxuu Laanta Sawaaxiliga ee BBC-da u sheegay inuu arrintan bilaabay kaddib markii uu arkay sida haweenka bulshadiisa ay ugu baahan yihiin taageero. ""Inta badan gabdhaha halkan ma helaan taageero ku saabsan dhiigga caadada. Waxay ku kalliftaa inay ragga galmo uga beddeshaan suufka nadaafadda,"" ayuu yiri. ""Raggu way ku daneystaan gabdhaha waxayna xitaa gabdhuhu ka baxaan iskuullada. Waxay isticmaalaan waxyaabo aan habbooneyn sida suufka joodariga, maro dug ah iyo xitaa waraaqaha suuliga."" Mr Kipepeo ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee uu ragga la kulmay, uu siiyay suufka nadaafadda - isagoo isku dayaya inay ragga u noqoto wax caadi ah arrintaas. ""Intooda badan xitaa kaama qaadanayaan suufka. Si kale ayay ii eegayaan. ""Waxay aaminsan yihiin inay ceeb tahay in laga hadlo dhiigga caadada. Ma fahansana inay muhiim tahay in la barto dhibka ay gabdhuhu maraan marka ay ku jiraan xilliga caadada."" Wuxuu Kipepeo rajeynayaa inuu wax caadi ah ka dhigo ka wada sheekeysiga la xiriira dhiigga caadada uuna ku guuleysto taageerada ay raggu u muujin lahaayeen haweenka." https://www.bbc.com/somali/51781182 +politics 33 ilbiriqsi ee uu ka bilowday dagaalkii qaboobaa ee adduunka "Aqalka Congress-ka oo aad loo soo buux dhaafiyay oo ku yaalla Capitol Hill waxaa ku sugnaa madaxweynihii 33-aad ee Maraykanka, Harry Truman, oo 62 jir ahaa xilliggaas wuxuu qabay awkilyaalihiisa, isaga oo xiran dhar isku jooga ah ayaa wuxuu furay eylkiisii ​​madoobaa ahaa ee uu jeclaa in uu wax ka akhriyo marka uu khudbadaha jeedinayo. Wuxuu xilliggaas dadka u sheegay, ""Halista maanta dunidan ka jirta waa in wax laga qabto ka hor kulanka wadajirka ah ee Congress-ka. Siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga qaranka dalkan ayaa ku lug leh arrimahaas. "" Waxay ahayd 12-kii bishii March sanadkii 1947, waxaana xilliggaas abuurmay in guul laga gaaray amniga qaranka Mareykanka kadib guushii ay ka gaareen Hitler. Waxay u muuqatay in madaxweynaha uu diray digniin. Truman wuxuu shacabka Mareykanka ugu baaqay inay dadaal ku bixiyaan sidii ay ku maamuli lahaayeen shuuciyadda iyo midoowgii Soofiyeet. Sida uu qabo taariikhyahan ku guulaystay abaalmarin, Melvyn Leffler, oo ah borofisar ka fadiistay Jaamacadda Virginia, isla markaana qoray buugaag dhowr ah oo ku saabsan Dagaalkii Qabow iyo Siyaasadda Dibadda ee Mareykanka ayaa yiri, ""Maraykanka,Ingiriiska iyo Faransiiska waxay ku duuleen Ruushka 1917, 1918, 1919."" ""Intii uu dagaalku socday waxaa jiray xiisado ka dhashay ciidamo badan oo la geeyay Galbeedka Yurub. Ninkii gacanta ka geystay joojinta dagaalkii Qaboobaa oo geeriyooday Lavrov: Ruushka iyo Galbeedka waxa dhextaal xaalad ka xun dagaalkii qaboobaa Tom & Jerry: 80 sano ayaa la daawanayaa dagaalka bisadda iyo jiirka Hogaamiyihii Midowgii Soofiyeet Stalin waxa uu rabay in tallaabadaas la qaado 1942, waxaana hubaal ah in aanay dhicin ilaa 1944kii. ""Sidoo kale, Maraykanka iyo Ingiriisku waxay sameysteen bam-atomic ah, waxayna sirtooda ka qariyeen Stalin, kaasoo ay ku wargeliyeen basaasiintiisa halka Maraykanku uu ogaa inay basaas yihiin."" ayuu yiri Melvyn Leffler. Markii uu dagaalka dhammaaday, mudnaanta siyaasad-dejiyeyaasha Maraykanku waxay ahayd in la hubiyo in cadowgu uusan waligiis uusan iska wareejin doonin maamulka kheyraadka Yurub iyo Asia. ""Cabsida ugu weyn ee jirtay sanadihii 1946 iyo 1947 ma ahayn in hoggaamiyihii USSR Stalin uu qaado gardaro millatari,"" sida uu sharraxayo Leffler. Cabsida ugu weyni waxay ahayd inuu ka faa'iidaysto qalalaasaha bulsho iyo midka siyaasadeed ee ka jiray kadib dagaalkii Yurub maaha oo kaliya bariga Yurub iyo qaybo ka mid ah Yurubta dhexe - iyo guud ahaan koonfurta iyo galbeedka Yurub halkaas maamuladii shuuciga ahaa ay kula loolamayeen Talyaaniga iyo Faransiiska, inkasta oo ay ka guuleysteen"" ayuu yiri taariikhyahan Melvyn Leffler. Intaa waxaa dheer, shuuciyadu waxay dagaal sokeeye ka wadeen Shiinaha, rajada guushooda waxay ka dhigneyd in Stalin uu soo bandhigi karay saameyntiisa Bariga Aasiya oo dhan. Rajaduna waxay ahayd mid aad looga naxo marka la adeegsanayo waxa loo yaqaan 'aragtida Domino', kaas oo ku faafay siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka muddo tobanaan sano ah, kaas oo dhigayay"" waddan aan shuuci ahayn oo horseeda bururka dal shuuci ah, iyo sidoo kale burburka dawladaha aan shuuciga ahayn ay u geystaan dawladaha deriska ah. Bishii February sanadkii 1946, Stalin oo ku sugnaa Moscow wuxuu jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay kadib dagaalka, wuxuu walaac ka muujiyay in dagaal hor leh uu socdo kaas uu dhex qarsoon waxa uu ku tilmaamay nidaamka suuq xorta ahaa. Wuxuu ku dhawaaqay in masiibo laga dhaxli doono arrinta isla markaana aysan jirin cid dal ka hor istaagi karto in uu gaaro go'aan nabad ah oo isku duwan. Sidaa darteed, USSR waa any isticmaashaa kheyraadkeeda iyo awooddeeda sanadaha soo socda si ay u horumariso warshadaha aasaasiga ah. ""Saraakiil badan oo Maraykan ah, oo uu ku jiro Truman, dheg jalaq uma aysan siin arrintaas. Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta waxay u arkeen hadalka inuu yahay ku dhawaaqid dagaalkii Adduunka ee 3aad, '' sida uu qabo Denis Bostdorff, oo ah borofisar dhiga cilmiga isgaarsiinta. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka oo u qaabilsan arrimaha dibadda, ayaa safaaradeeda Moscow ka codsatay in sharraxaad ka bixiso damaca Midowgii Soofiyeeti uu ku doonayay ballaarinta danaha caalamiga ah. Jawaabta uu ka bixiyey diblumaasi aan wax badan laga ogeyn oo lagu magacaabo George Kennan ayaa ahayd sidatan: ""Kennan waxa uu dalbaday telegram ka kooban 8,000 oo erey, kaas oo uu marar badan isticmaalay halbeegyo ay kamid yihiin: Shuuciyadu waxay ahayd sida cudur oo kale."" Sida ay reer galbeedka isku dayayeen in ay sawir cad ka helaan ujeedada Soofiyeedka xilliggaas, Soofiyeedku waxa ay isku dayayeen in ay fahmaan waxa ay samaynayaan xulafadoodii hore. Farriintuu telegramka ee Soofiyeedka ee Kennan waxay aheyd farriin ka timid Nikolai Novikov, safariirkii Soofiyeedka ee Maraykanka, September 1946. Waxa uu ka digay in Mareykanka uu ka soo baxayo dagaalkii labaad ee Adduunka isagoo leh awood dhaqaale isla markaana gacant ku hayay adduunka. Telegram-ka Novikov wuxuu dib u xaqiijiyay go'aankii Soofiyeedka ee ahaa inuu ballaariyo saameyntiisa oo uu ilaaliyo dhulalkiisa kala qaybsanaanta ee Bariga Yurub. Farrinta waxay markale muujisay cabsida, kala shakiga iyo is-aaminaad la'aanta ka dhex aloosan labada dhinac ee ku lug lahaa dagaalkii qaboobaa. Sagaal iyo toban maalmood ka dib, khudbadaas taariikhiga ah, Truman wuxuu ka codsaday Congress-ka inay ansixiyaan $ 400 milyan oo lagu taageerayo Turkiga iyo Giriigga, wuxuuna ugu baaqay muwaadin kasta oo Mareykan ah inuu la dagaallamo shuuciyada noocyadeeda kala duwan. Wuxuu markii dambe ka codsaday baarlamaanka inay taageeraan go'aankan. Truman waxa uu raacay talada xildhibanaada senator-ka ee kadib hadallo 33-da ilbiriqsi ahaa oo ku jiray khudbad 19-daqiiqo aheyd oo ku saleysneyd kudhubaddaas uu ka jeediyay kalfadhiggaas. ""Waxaan aaminsanahay in aan caawino dadka xorta ah si ay aayahooda uga fikiraan."" ""Waxaan aaminsanahay in taageeradayadu ay noqoto mid dhaqaale iyo mid maaliyadeed, taas oo lagama maarmaan u ah xasilooni dhaqaale iyo mid siyaasadeedba."" Xaqiiqda, Truman ma aheyn qof aftahan ah marka la eego khudbaddaas, wuxuuna ku farxay taageerada loo muujiyay. Maalmo kadib waxaa dhacday dood kulul oo ku saabsan arrintaas. Labada Aqal ee baarlamaanka ayaa 22 May 1947 hindise sharciyeed ku aadan arrintaas, madaxweynihii Mareykanka , Truman ayaa qalinka ku duugay sharciga kaas oo dhigayay 'in aan la aqbali doonin in shuuciyadda aysan wax guul ah gaarin" https://www.bbc.com/somali/war-61624008 +health Ma jiraa weli xal lagu hakin karo faafidda fayraska Corona ee Afrika? Laba bilood ka hor ayey ahayd xilligi kiiski ugu horreeyey ee cudurka Coronavirus laga helay qaaradda Afrika. Dalka Koonfur Afrika ayaa ah dal uu cudurka sida weyn u saameeyey iyada oo dadka uu cudurka uu haleelay ay tiradoodu kor u dhaaftay 2,500. Waddamada kale ee qaaradda Afrika uu sida weyn cudurka u saameeyeyna waxaa ka mid ah dalalka Masar iyo Algeria. Haatanna, waxaa lagu soo warramayaa waddamada ay ka midka yihiin Cameroon, Niger, Ivery Coast iyo Guinea inuu cudurka si xowli ah uu ugu faafayo iyada oo boqollaal qof oo waddamadaasi ku nool uu cudurku haleelay. Haddii aan qaaradda Afrika sida u cudurka ugu faafayo aan la xakameyna waxaa la sheegay iney xaaladdu ka adkaan doonto xaaladaha ka taagan Yururb iyo Mareykanka uu cudurku ku hayo. Hay'adda caafimaadka adduunka ee (WHO) waxay sheegtay waddamada qaaraddan Afrika sida ay u badan yihiin iney leeyihiin 1,000,000 ee qofba in loo hayo oo keli shan sariirood oo qofka ay xaaladdiisu adagtahay (IC) la dhigo. Taasoo aad uga yar tirada waddamada Yurub ay 1,000,000 oo qof ay u hayaan 4,000 oo sariirood. Hay'adaha qaramada midoobayna waxay sheegeen iney weli waddamada qaaraddu ay haystaan xilli ay faafitaanka cudurka ku xakameeyaan. Qaaradda Afrikana waxay horay ugu guuleysatay la dagaallanka cuduro dilaa ah oo qaaradda ka dillaacay oo uu ka mid yahay EBOLA. Balse faayraskan oo ah mid dunida ku cusub ayaa la sheegay qaaradda Afrika in looga baahan yahay in si adag ay isugu diyaariyaan la dagaallanka cudurka. Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu weyn ee soo food saari doono qaaradda Afrika ayaa ah sida ay ula dagaalami karta fayriskan. Ilaa iyo hadda tallaaboyinka bandowga ee la so rogay waxay u muuqdaan in natiijooyin lagu farxa ka dhasheen. Waxaa laga cabsi qabaa in haddii la soo rogo xayiraad habeen iyo maalin ah ay horseedi karta in dhaqaalaha qaaradda oo fadhiid noqdo. Marka la eega kororka maalinlaha ah ee tirada kuwa laga helay cudurka 'coronavirus' adduunka oo dhan, Afrika waxay umuuqataa inay xakamaysay faafitaanka marka ilaa iyo hadda la barbardhiga tusaala ahaan Maraykanka iyo Yurub. https://www.bbc.com/somali/war-52335988 +business Ninkii shaaha oo sheegay in dumar badan ay ku soo duuleen si ay shaqada uga qaataan "Karinta iyo iibinta shaaha ayaa waxaa inta badan lagu yaqaannaa dumarka balse magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa ka jira goobo dhowr ah oo ay ragga shaaha ku iibiyaan. Jaamac Xasan, oo shaah ku iibiya Jigjiga ayaa cabasho ka muujinaya haween uu sheegay inay ku heystaan ka ganacsiga shaaha, wuxuuna ku andacooday in dhowr jeer ay koox haween ah isku dayeen inay kala wareegaan mehradda uu shaaha ku iibiyo ee uu ku leehayay Jigjiga. ""Caqabadaha aan la kulmay waxaa kamid ah in hadda ka hor ay dumar iskaashato lacag ii keeneen ayna igu yiraahdeen lacagta kaa gashay baan kuu celineynaa ninyahow ee waxan ka bax, shaqadan faraha kala bax. Aniguna waxaan ku iri, 'weli waxaan hayaa macankeedii aan ku talagalay in aan ku shaqeeyo, meel aan u baxana ma hayo arrintan waan usoo tafa xeeytay'."" Ayuu yidhi Jaamac. Wuxuu sheegay in dumar badan ay bartilmaameedsanayaan goobtiisa si ay gacanta ugu dhigaan isla markaana uu heegan ugu jiro sidii uu u horumarin lahaa ganacsigiisa. ""Laakinse, dumar badan waxay dadaal ugu jiraan helitaanka meeshan si ay shaqadan ragga uga dhex saaraan"" ayuu yiri Jaamac oo hadlayay BBC-da. Jaamac wuxuu sheegay in sababta dumar badan uu damac uga galay mehraddiisa ay tahay inay ku taallo goob mashuuql ah oo ganacsiga shaaha caan ku ah. ""Waxaan ku adkeystay in aan shaqadeydii sii wato, sidaas ayaan ku diray dumarkii"" Jaamac wuxuu hoosta ka xariiqay in shaah karinta ay dan u geysay sidaas darteedna wuxuu ku doodayaa in markii uu dhex galay uu ogaaday in sideedaba ragga uu lahaa shaqadan. ""Wakhtigan maanta boqolkiiba sagaashan shaqadan aan gacanta ku hayo haween baa gacanta ku haya, aniguna waxa shaaha aan ugu tafa xeytay ayaan qabaa, kow wax soo saarkeygu in uu noqdo in aan wax kasoo saaro shaahaas shiilan anigoo cidna u jeedin ganacsigeeda ayaan ragga waxaan leeyahay mehradda shaaha la yiraahdo rag baa lahaaye halaga shaqeysto."" ""Aniga marka hore biyaha ayaan karkariyaa, waxaan biyaha ku kariyaa bahal beyliso la yiraahdo, xaabo ayaana ku shidaa, dhuxul la gubay kuma kariyo, markey biyuhu karkaraan ka bacdi waxaan ku wareejiyaa kirli, sokorta marka ay bislaato caleenta ayaan ku shubaa markaas kadib ayaana caano ku daraa,"" ayuu yiri Jaamac. Wuxuu sheegay in ""Shaqadan uu ka tegi karo marka uu dalaco oo uu darajo wacan ka gaaro""." https://www.bbc.com/somali/war-54643091 +health "Wasiir caafimaad oo ku faantay ""dawo dhireedka Korona"" oo uu hadda cudurkaasi ku dhacay" Wasiirka caafimaadka dalka Sri Lanka, oo indhawaale u ololeynaysay dawo dhireed la sheegay in lagu daweeyo ama looga hortago cudurka Covid-19, ayaa hadda laga helay fayraska cudurkaasi. Pavithra Wanniarachchi ayaa jimcihii dhawaa laga helay cudurkaasi, sida uu BBC u sheegay xoghayaha warfaafinta ee wasaaradda caafimaadka. Waxay in badan dhiirigelin jirtay isticmaalka sharoobo dhir laga sameeyay, oo uu soo saaray nin sixirrow ah oo sheegay in marka la cabbo sharoobadaasi ay ka hortageyso fayraskani inta ka hartay qofka noloshiisa. Dalka Sri Lanka, inta la ogyahay cudurkan ayaa soo ritay 56,076 qof halka 276 qofna ay u dhinteen tan iyo billowgii faafitaanka cudurkan, waxaana bilihii la soo dhaafay soo badanayay dadka uu cudurkani soo ritay. Wanniarachchi ayaa noqoneysa wasiirkii afaraad ee laga helo cudurkan guud ahaan dalkaasi. Dhawaan ayay ahayd markii wasiir kale oo sidoo kale qaatay dawo dhireedkani laga helay cudurkani saf-marka ahi. Wanniarachchi oo ah wasiirka caafimaadka ayaa dadka hortiisa ku cabtay sharoobadaasi dhirta lagas ameeyay, waxa ayna dadka sheegtay in ay ka hortagayso fayraska cudurkan. Saaxirka soo oo allifay sharoobadani oo ka kooban malab iyo lows ayaa sheegay in qaabka loo sameeyo iyo waxyaabaha laga sameeyaba uu ku helay riyo ahaan. Dhakhaatiirta dalkaasi ayaa beeniyay in sharoobadani dawo-dhireedka ahi ay daweyn karto cudurkani, balse wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku soo warantay in kumannaan qof ay u safreen tuulo dalkaasi ku taal si ay u helaan dawadaasi. Xoghayaha warfaafinta ee wasaaradda caafimaadka dalkaasi, Viraj Abeysinghe, ayaa BBC-da u sheegtay in Wanniarachchi laba jeer laga baaray cudurkaasi Covid-19, balse labaduba laga helay cudurka. Wasiirka ayaa laga codsaday inay iskeed isu karantiisho, waxaana sidoo kale is-karantiilay dhammaan dadkii ay xiriirka dhaw la yeelatay. Dalka Sri Lanka oo kaliya ma ahan waddaamda dadka xilalka haya ay u ololeeyeen dawooyin aan la hubin in ay wax ka tarayaan cudurka Covid-19. Sanadkii la soo dhaafay, ayaa madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, waxaa lagu dhaliilay inuu dhiirrigelinayay dawo dhireed uu sheegay inay ka hortagi karto fayraska cudurkani, waxaana la soo sawiray isaga oo u qaybinaaya dawo dhireedkaasi bulshada danyarta ahi ee ku nool caasimadda dalkaasi. Tan iyo markii uu billowday faafitaanka cudurkani, tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha adduunka iyo wasiirro ayaa qaaday cudurkaasi Covid-19. Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, Ra'iisalwasaaraha UK, Boris Johnson, iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayaa dhamaantood sanadkii la soo dhaafay uu ku dhacay fayraska cudurkaasi dhammaadkii sanadkii la soo dhaafay. https://www.bbc.com/somali/war-55784857 +health Gabar ka badbaadday kansar halis ah ka dib daawo cusub oo lagu tijaabiyay "Gabar yar oo uu ku dhacay kansar aan la daweyn karin ayaa waxaa lagu guuleystay in gebi ahaanba jirkeeda laga saaro cudurka, kaddib markii ay heshay nooc cusub oo daawo ah oo markii ugu horreysay la tijaabiyay. Dhammaanba daaweynta kale ee la siiyay Alyssa, oo qabtay kansarka dhiigga, ayaanan wax tarin. Sidaas darteed, dhaqaatiirta Isbitaalka Great Ormond Street Hospital ayaa adeegsaday ""tifaftir"" si loogu sameeyo daawo ayada munaasib ku ah. Lix bilood kaddib kansarka ayaa laga waayay jirkeeda, balse Alyssa weli waxaa xaalkeeda la soconaya dhaqaatiirta. Alyssa, oo 13 jir ah kana soo jeedda magaalada Leicester ee dalka UK, ayaa laga helay kansarka nooca T-cell acute lymphoblastic leukaemia bishii May ee sanadkii hore. T-cells waa ilaaliyeyaasha jirka – ee ka difaacaya khatarta – balse marka la eego Alyssa waxay ku noqdeen khatar xadka ayayna ka sii baxayeen. Kansarkeeda ayaa ahaa nooca aadka u faafa. Daaweynta Chemotherapy, iyo kaddib dhuux lagu beeray, laguma guuleysan in xanuunka laga saaro jirkeeda. Haddii aan la tijaabin lahayn dawada, waxa keliya ee haray ee la sameyn lahaa ayaa ahaan lahaa in sida ugu macquulsan xanuunka looga yareeyo Alyssa. ""Muddo kaddib waan dhiman lahaa,"" ayay tiri Alyssa. Hooyadeed, Kiona, ayaa sheegtay in markan oo kale sanadkii hore ay u qabtay inay tahay marka ugu dambeysa ee ay ciidda Kirismaska la qaadan doonto gabadheeda. Wixii kaddib dhacay waxay ahaayeen wax aan lagu fekeri karin sanado kahor, ayna suurtogal ka dhigeen horumar laga gaaray dhanka hiddo-sidayaasha. Kooxda ka tirsan Isbitaalka Great Ormond Street ayaa adeegsaday teknoljiyad lagu magacaabo tifaftir aasaasi ah, kaasoo keliya lix sano kahor la hindisay. Koox badan oo dhaqaatiir ah ayay u suurtogashay inay tifaftir ku sameeyaan hiddo-sidayaasha iyagoo sameeyay nooc cusub oo T-cell ah kaasoo awood u leh inuu ugaarsado uuna dilo unugyada kansarka siday ee Alyssa. Waxay ku billaabeen T-cells caafimaad leh oo laga soo qaaday qof kale kaddibna waxay ku sameeyeen isbeddello. Markii fekerkan loo sharraxay qoyska, hooyo Kiona ayaa waxaa ka soo haray feker: ""Waad sameyn kartaan sidaas?"" wuxuu ahaa go’aanka Alyssa inay noqoto qokfii ugu horreeyay ee lagu tijaabiyo daaweyntan – oo ka koobneyd malaayiin unugyada la farsameeyay ah - bishii May ee sanadkan. ""Waa bukaankii ugu horreeyay ee teknolojiyaddan lagu daaweeyo,"" ayuu yiri Prof Waseem Qasim, oo ka tirsan UCL and Great Ormond Street. Wuxuu sheegay in farsameyntan hiddo-sidaha uu yahay hab saynis oo sare isla markaana faa’iido badan u leh noocyo cudurro ah. Alyssa ayaase u nuglaatay caabuq, iyadoo unugyada ay weerareen T-cells-kii kansarka siday iyo kuwii ka difaaci lahaa xanuunka intaba. Bil kaddib, Alyssa waxaa la mar kale lagu beeray dhuux si loo xoojiyo hab-difaaca jirkeeda. Alyssa ayaa 16 toddobaad ku qaadatay isbitaalka mana aysan arki karin walaalkeed, oo weli iskuul aadayay lagana baqayay inuu jeermis u keeno gabadha. Walaac ayaa jira kaddib saddexdii bilood ee baaritaanka lagu sameynayay iyadoo mar kale kansar laga helay. Laakiin labadii baaritaan ee ugu dambeeyay ee lagu sameeyay jirkeedu xor buu ka ahaa kansar. ""Waxaad baraneysaa inaad ka mahad-celiso wax walboo yar. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan mar kale halkan joogo,"" ayay tiri Alyssa. ""Waa wax yaab leh. Waa la yaab inaan fursaddan helay, aad ayaan ugu mahdinayaa waxayna caawin doontaa carururta kale, sidoo kale, mustaqbalka."" Haatan waxay dooneysaa inay u dabaaldegto ciidda Kirismaska, ayna malxiisad ka noqoto arooska habaryarteed, dib u kaxayso baaskiil, iskuulkana dib ugu laabaty ""oo ay sameyso waxa ay dadka caadiga ah qabtaan"". Qoyska ayaa rajeynaya in kansarku uusan mar dambe soo laaban, balse waxay ku faraxsan yihiin daaweynta gabadhooda. ""Inaad hesho sanadkan dheeraadka ah, saddexdii bilood ee ugu dambeysay markii ay guriga joogtay, ayaaba ahaa haddiyad,"" ayay tiri Kiona. Aabbe James ayaa yiri: ""Way igu adag tahay inaan ka sheekeeyo sida aan u faraxsannahay. Markaad eegto wixii ay soo martay, waa wax cajiib ah."" Inta badan carruurta uu ku dhaco kansarka dhiigga ayaa loo maleynayaa inay sanado kaddib ka faa’iideysan karaan daaweyntan. Alyssa waxay ka mid tahay keliya 10-ka qof ee la siiyay daawadan iyadoo lagu tijaabinayay. Dr Robert Chiesa, oo ka tirsan waaxda ku beeridda dhuuxa ee Isbitaalka Great Ormond Street, ayaa yiri: ""Waa wax aad cajiib u ah. Way caddahay, in tani ay tahay nooc cusub oo daaweyn ah waana cajiib inaan jiheyn karno difaaca jirka si uu ula dagaallamo kansarka.""" https://www.bbc.com/somali/articles/czv0xr8ww7go +politics Trump oo digniin looga soo jeediyey hees uu si aan sharci ahayn u adeegsaday "Kooxda muusikada ee Rolling Stone ayaa Madaxweyne Trump uga digay iney sharciga horgeeynayaan haddii uu heesahooda si aan sharci ahayn ugu isticmaalo ololihiisa doorashada. Waxayna kooxdu sheegtay heesaheeda iney cidna si sharci darra ah u isticmaali Karin iyada oo aan oggolaansho laga heysan kooxda. Warmurtiyeed ay soo saareen Garyaqaannada u dooda kooxda fanka ee 'Rolling Stone' waxay sheegeen iney ku howlan yihiin sidi ay xuquuqda sharciga ee ay kooxdu leedahay u meel marin lahaayeen. Hay'adaha ay quseeysana ay ku wargelinayaan heesahooda si aan sharci ahayn in loo adeegsado. Madaxweyne Trump ayaa ololahiisa toddobaadki hore ee ka dhacay Tulsa, ee gobolka Oklahoma u adeegsaday heesta ay kooxdu leedahay ee 'You can't Always Get What You Want'. Isla heestan ayaa Trump ololahiisa doorashada u adeegsaday 2016-kii xilli ay socotay doorashada madaxweynaha ee dalka Mareykanka. ""Rolling stone ma aqbaleyso Donald Trump waxa uu wado,"" ayey kooxdu barteeda Twitter-ka ku soo qortay 2016-kii. Warmurtiyeed ay kooxdu Sabtidi shalay ahayd soo saartay ay ku sheegtay, koox mataleyso kooxda fanka iney iisu diyarinayaan sidi ay u qaadi lahaayeen ""tallaabbooyin dheeraad ah"" oo Mr Trump looga hor istaagayo ololahiisa doorashada mustaqbalka inuu u adeegsado dhammaan heesaha kooxda Rolling Stone ay leedahay isaga oo iska indho tiray ""ishortaaggi iyo joojinti horay loo sameyey"". Hay'adda u xilsaaran dhowridda xuquuqda hal abuurka ee BMI waxay madaxweyne Trump ay ku wargelisay iyaga oo ku hadlaya magaca kooxda Rolling Stone inuu heesahooda fasax la'aan uu adeegsan Karin. Haddii ay kooxda oo aan fasax laga haysan heesahooda la isticmaalana waxay keeneysaa in arrinta loo gudbiyo shariga si tallaabbo sharci ah loo qaado. Bishii April, heesaa kooxda ka tirsan oo ay da'diidu tahay 76 jirka Sir Mick Jagger wuxuu soo saaray heestiisi ugu horreysay muddo siddeed sana ah. Horraanti bishan, qoyska fannaanki geeriyooday ee kooxda ka tirsan Tom Petty waxay qoreen warqad ay ku hor istaagayaan Trump Ololahiisa inuu heesahooda uu si aan sharci ahayn uu u adeegsado gaar ahaanna ololahiisi ugu dambeeyey eek a dhacay Tulsa. Waxayna farriintooda soo dhigeen boggooda Twitter-ka, waxay sheegeen fannaanka geeriyooday inuusan marnaba raalli ka ahayn ""in heestisa loo adeegsado olole neceyb uu ka madhneyn"". Petty wuxuu geeriyooday 2017-kii isaga oo ay geeridiisu sababtay dawo xad dhaaf ah oo uu qaatay, iyada oo ay xilligaas da'diisa ahayd 66 jir. Ololaha doorashada Mr Trump uu ku doonayo in marlabaad la soo doorto ayaa bilo soconaya isaga loollan adag uu dhex marayo musharraxa xisbiga dimuqraadoga Koe Biden doorashada bisha November dhaceyso." https://www.bbc.com/somali/war-53209550 +entertainment Maxay tahay arrinta ay heesta dhexdeeda ku sameeyeen Shah Rukh Khan iyo Deepika ee carada weyn dhalisay? Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si weyn baraha bulshada ee Hindiya iyo qeybo kale oo ka mid dunida loogu dhaliilayay muuqaal hees ah oo ay ku wada jiraan xiddigaha Bollywood-ka, Shah Rukh Khan iyo Deepika Padukone. Heestan oo ka mid ah filimka “Pathaan” ee la filayo in uu soo baxo sanadka cusub ayaa si weyn loogu faafiyay internet-ka, iyadoo horayna guud ahaan filimkan la cambaareeyay ka dib markii la sii daayay xayeysiintiisa hordhaca ah. Falcelinta dadka ayaa u badan dhaleeceyn ka dhan ah jilayaashan oo ka mid ah kuwa ugu caansan dalka Hindiya iyo caalamkaba. Si guud waxaa looga soo horjeeday qisada filimkan oo ay dad badan u arkayeen mid gaf ku ah dhaqanka iyo diinta dadka Hinduuga ah ee aqlabiyadda ku leh bulshada waddanka Hindiya. Laakiin xaaladdu waxay faraha kasii baxday maalintii Insiinta ee isbuucan ka dib markii la shaaciyay mid ka mid ah heesaha filimka oo ay ka dhex muuqdaan Khan iyo Deepika. Atariishada oo heesta ku sameyneysa qoob ka ciyaar ayaa qeyb ka mid ah muuqaalka lagu arkayaa iyadoo xiran dharka ay dumarku hoos ka qaataan oo aysan wax kale la qabin. Laakiin muranku kama taagna taas. Waxa ay dad badan qoonsadeen midabka dharkaas oo ah “hurdi” kaasoo ah mid lagu xushmeeyo arrimo la xiriira diinta Hinduuga. Dadka ka falceliyay qaar waxay heestan ku tilmaameen mid ah ku jiraan waxyaabo anshax xumo ah, halka qaarna ayba sheegeen in ay tahay mid lagu aflagaaddeynayo dadka heysta diinta Hinduuga. Dadka sida carada leh uga hadlay mowduucan, kuna dhawaaqay in aysan daawan doonin waxaa ka mid ah bilyaneerka caanka ah ee Hindiya, Mukesh Ambani. Bartiisa Twitter-ka ayuu kusoo qoray: “Filimka Bollywood-ka ee ay ku jiraan atariishada Deepika Padukone iyo atooraha Shahrukh Khan oo xubno ka ah JNU, dharka ay ay xiran tahay Deepika midabkoodu waa hurdi magaca heestuna waa 'Besharam Rang'. Sidaas darted ayaan isaga mamnuucay daawashada filimkan.” Marka laga soot ago dadka ka carooday heesta, waxaa kale oo jiray kuwo taageero u muujiyay Deepika. Nemo Tai oo ka mid ah dadka caanka ah ee wax kusoo qora baraha bulshada ayaa barteeda Twitter-ka ku tiri: “Gabdhaha gobolka Karnataka waxaa loo bartilmaameedsadaa in ay xijaab xiran yihiin. Deepika Padukone waxay wajaheysaa eedeyn ku saabsan inay xiran tahay dhar jirkeeda laga arkayo. Run ahaantii, waxaa laga soo hor jeedaa haweeney walba.” Xiddigga Bollywood-ka oo u muuqday in uu saameeyay muranka hareeyay heestiisa iyo guud ahaan filimka uu soo wado ayaa dhankiisa dhaliilay qaabka wax loogu soo gudbiyo Baraha Bulshada. “Baraha bulshada inta badan waxaa lagu soo qaataa fikrad lagu cabiray meel gaar ah oo keliya. Waxa ay [baraha bulshadu] xaddidayaan dabiicinnimada bani’aadanka iyagoo diiradda saaraya qof shakhsi ahaan u hadlaya,” ayuu yiri Shah Rukh Khan. Jilaaga ayaa sidoo kale sheegay in saameynta Baraha bulshada lafteeda ay u baahan tahay in laga sameeyo wacyigelin. “Dadka qaar waxay baraha bulshada ku faafinayaan waxyaabo loo eegay si khaldan. Baraha Bulshada waxay isku darayaan fahamkeenna guud. Waa in Filimadu ay door ka qaataan sidii Meesha looga saari lahaa saameynta khaldan ee ay nagu leeyihiin baraha bulshada,” ayuu yiri. Filimka “Pathaan” oo uu hagay Siddharth Anand ayaa la filayaa in uu marka ugu horreysa soo baxo 25-ka bisha January ee sanadka 2023. Jilayaasha hoggaaminaya, Shah Rukh Khan iyo Deepika marka laga gudbo waxaa kale oo kasoo muuqan doona atooreyaal caan ah Bollywood-ka oo kala ah Salman Khan, Hrithik Roshan iyo John Abraham. https://www.bbc.com/somali/articles/c727g20156lo +religion Qoraaga Muslimiinta ka careysiiyay ee dhuumaaleysiga kasoo baxay Muddo ka badan 50 sano uu ku jiray suugaanta, Salman Rushdi kuma cusbo in uu ka kulmo hanjabaado kadib shaqadiisa. Qoraaga wuxuu ka mid ahaa qoraayaasha ugu caansan Britain, wuxuu sanadkii 1981 qoray buuggiisa Midnight's Children, ee uu abaalmarinta ku helay. Sanadkii 1988-dii wuxuu soo bandhigay buuggiisii afaraad ‘The Satanic Verses’ oo micnaheedu yahay ‘Aayadaha Sheydaanka’ – buuggan ayaa dhaliyay muranka ugu badan, waxaa ka dhashay caro caalami ah oo aan horey loo arag. Muslimiin badan ayaa ka carooday buugga Salmaan Rushdi, waxay sheegeen in buugga meel uga dhacay Rasuulka (N.N.K.H.H) iyo diinta Islaamka. Salmaan waxaa loogu hanjabay dil, waxay hanjabaddaas ku khasabtay in uu galo dhuumaleysi, dowladda Britain ayaa si weyn u ilaalineysay ammaanka Salmaan. Iran waxay xilliggaas xiriirka u jartay dowladda UK iyadoo ka careysneyd buugga Salmaan. Hoggaamiyihii Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini, ayaa soo saaray Fatwo uu ku baaqay in la dilo Salmaan sanadkii 1989- sanad kadib markii buugga la daabacay. Hase yeeshee, reer galbeedka, qoraayaasha iyo waxgaradka waxay dhalleeceeyeen halista ka imanaysa xorriyadda hadalka ee ka dhalatay falcelinta qallafsan ee buugga. Salmaan Rushdi wuxuu ku dhashay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya- labo sano ka hor xoriyadda Hindiya oo uu gumeysan jiray Ingiriiska. Markii uu 14 jir ahaa wuxuu tegay Ingiriiska, wuxuu iskuul ka galay magaalada Rugby, markii dambe wuxuu shaahadada jaamacadda koowaad ee culuumta taariikhda ka qaatay jaamacadda Kings College ee ku taalla Cambridge. Wuxuu helay dhalashada Britain, wuxuu ka baxay diinta Islaamka, wuxuu muddo kooban ahaa majaajileyste, markii dambena waxbuu xayeysiin jiray isagoo qoraa ah. Salmaan muddo shan sano ah ayay ku qaadatay inuu qoro buuggiisii labaad ee la yiraahdo Midnight's Children sanadkii 1981, abaalmarin ayuu ku helay buuggan, waxaa uu iibiyay nus milyan nuqullada buugga. September 1988-, wuxuu qoray buuggiisa (The Satanic Verses) ee ka careysiiyay Muslimiinta badan oo ay u arkeen in uu aflagaadeynay diinta Islaamka. Hindiya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee mamnuuca buuggaas, waxaana ku xigay Pakistaan iyo dalal Islaam ah iyo Koonfur Afrika. Buuggan wuxuu helay aqoonsi balse waxaa sii xogeystay dibadbaxyada looga soo horjeeday qoraaga buugga. Muslimiin badan aya buuggiisa u arkay aflagaado ka dhan ah diinta Islaamka. Bishii January sanadkii 1989, Muslimiinta ku sugneyd magaalada Bradford ee dalka UK, waxay gubeen buugga halka wakaaladda wararka ee WHSmith ay joojisay inay soo bandhigto buugga. Rushdi wuxuu diiday in wax aflagaado ah uu u geystay diinta Islaamka. Magaaladii uu ku dhashay Salmaan, 12 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhacay halkaas, waxaa dhagaxaan lagu weeraray safaaradda UK ee Iran, waxaana $3m oo doolar la dul dhigay madaxa Salmaan. Xilliggaas Muslimiinta qaar ee UK waxay ku baaqeen in arrinta Salmaan ay dhexdhexaad ka noqdaan halka kuwa kalena ay taageereen hadalka hoggaamiyihii Iran Ayaatullah. Waddamada Faransiisk, Mareykanka iyo dalalka oo reer galbeed waxay cambaareeyeen hanjabaadda dil ee ka dhanka aheyd Rushdi. Tan iyo wixii xilliggaas ka dambeeyay Rushdi iyo xaaskiisa ayaa dhuumaaleysi ku jiray iyadoo si weyn loo ilaanayay amnigooda. Salmaan Rushdi kaliya ma aheyn cidda dilka loogu hanjabay buuggiisa dartii. Nin u dhashay Japan oo la yiraahdo  Hitoshi Igarashi oo turjumay buugga ‘The Satanic Verses’ ayaa dhowr jeer toori la dhacay kaas uu ku dhintay afaafka hore ee jaamacadda Tsukuba bishii sanadkii 1991-dii, ilaa iyo hadda lama ogo cidda dishay ninkaas. Isla bishaas, nin u dhashay Talyaaniga oo la oran jiray Ettore Capriolo, ayaa toori lagu weeraray xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaallay Milan inkasta uu weerarkaas ka badbaaday. William Nygaard, oo isaga buugga ku turjumay luqadda Norwegian ayaa lagu toogtay gurigiisa oo ku yaalla Oslo- inkasta uusan ku dhiman weerarkaas. Rushdii wuxuu qoray buuggaag dhowr ah oo ay kamid yihiin, Haroun and the Sea of Stories (1990) a book of essays, Imaginary Homelands (1991), iyo the novels East, West (1994), The Moor's Last Sigh (1995), The Ground Beneath Her Feet (1999), iyo Fury (2001). Salmaan wuxuu guursaday afar xaas, wuxuu dhalay 2 carruur ah, haatan wuxuu ku noolyahay Mareykanka, waxaana sanadkii 2007 abaalmarin siisay boqoradda kadib guusha uu ka gaaray suugaanta. Sannadkii 2012-kii, waxa uu daabacay buug xusuus ah oo noloshiisa ku saabsan ka dib murankii ka dhashay aayadaha Shaydaanka. Hanjabadda dilka ah ee ka dhanka aheyd Rushdi waa mid mar kasta aheyd joogto oo aan ka harin, hoggaamiyaha Ruuxiga ee haatan ee Iran- https://www.bbc.com/somali/articles/ckd79llyp51o +entertainment Anil Kapoor oo shaaciyay 'farxaddii ugu weyneyd' ee uu la wadaagay Rishi Kapoor "Jilaacaga caanka ah ee shirkadda filimada hindiga ee Bollywood, Anil Kapoor ayaa soo bandhigay ""waqtigii ugu farxadda badnaa"" ee uu la wadaagay atoorihii dhawaan geeriyooday, Rishi Kapoor. Anil ayaa bogagga uu ku leeyahay baraha bulshada, sida Instagram iyo facebook soo dhigay sawirro ku saabsan xasuusta daahfurkii filimkii lagu magacaabay Saawariya, ee soo baxay sanadkii 2007-dii, kaasoo ahaa filimkii ay xirfaddooda ku billaabeen gabdhiisa Sonam Kapoor iyo wiilka uu dhalay Rishi Kapoor ee lagu magacaabo Ranbir Kapoor. Labada jilaa ee rug caddaayada ah ayaa ku kulmay xafladda daahfurka Filimkaas, xilligaasoo ay garab taagnaayeen carruurtooda oo xirfadda ka dhaxashay. Anil ayaa soo xushay sawirro ay ka muuqato farxad oo munaasabaddaas laga qaaday, waxaana ka muuqda Rishi iyo Neetu oo aad u tamashleynaya. Bartiisa Twitter-ka ayuu Anil sawirradaas kula qoray: ""Xasuustii James, daahfurkii xirfadda jilaanimo ee Sonam iyo Ranbir, anigoo la jooga Neetu iyo Rishi. Waa mid ka mid ah xilliyadii ugu farxadda badnaa ee nolosheyda soo maray..."" Sawirrada iyo qoraalka uu Anil soo dhigay waxaa jecleystay dad badan oo ka mid ah taageerayaashiisa ku taxan, waxaana ku jiray wiilka uu adeerka u yahay, atoorahana noqday ee Arjun Kapoor. Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa soo qoray: ""Haa runtii wuxuu ahaa xilli xasuus leh. Qof kalena wuxuu qoray: ""Bal ka warran waxaanoo dhan hadda way soo afjarmeen."" Filimka Saawariya oo uu hagay Sanjay Leela Bhansali, siyaaso kala duwan ayaa looga fal celiyay, dadka qaarna way ammaaneen, laakiin kama uusan gadmin box office-ka. Rani Mukerji ayaa filimkaas qeyb ka ahayd, halka Salman Khan uu isaguna kasoo muuqday. Rishi wuxuu geeriyooday 30-kii bishii lasoo dhaafay kaddib markii uu labo sano la dagaallamayay kansar. Maalintii uu geeriyooday, Anil wuxuu qoraal murugo badan ku sharraxay sababta uu Rishi magaciisa ugu yeeray James. ""Sababta aan Rishi Kapoor ugu yeeray James waxay ahayd maadaama anigana aanan aqoonin qof kale oo u muuqaal qurxoon sida jilaaga Mareykanka ah ee James Dean, isaguna wuu jeclaa inaan magacaas ku dhoho, waligey wuxuu ii ahaan doonaa James."" Rishi Kapoor, waxaa lagu tilmaami jiray halyeygii haasaawaha ee shirkadda filimada Bollywood-ka ee dalka Hindiya. Jilaagaca oo 67 jir ahaa wuxuu u dhintay xanuunka kansarka, kaasoo uu muddo dheer la noolaa. Wuxuu qeyb ka ahaa jilayaasha reer Kapoor loo yaqaanno ee sanadaha badan aqlabiyadda ku lahaa filimada ugu caansan Boolywoodka. Atoorahan wuxuu shaleemooyinka filimada lagu daawado qabsaday sanadkii 1973-kii, markaasoo uu doorkiisii ugu horreeyay oo hoggaamin ah uu ka qaatay filim ka hadlayay qiso jacayl oo dhalinyaro dhex martay. Laakiin markii ugu horreysay Rishi Kapoor wuxuu jilista filimada kasoo muuqday isagoo carruur ah sanadkii 1970-kii, wuxuuna ka qeyb qaatay filimkii uu aabihiis Raj Kapoor jilayay ee Mera Naam Joker. Qaar ka mid ah filimadiisii sida weyn loo daawaday waxay soo baxeey 1980-meyadii iyo 1990-meeyadii - waxaana ka mid ahaa Khel Khel Mein, Karz iyo Chandni - oo aad u gadmay. Kapoor wuxuu filim laga dabadhacay oo jacayl ahaa la sameeyay atariishada lagu magacaabo Neetu Singh. Lamaahanan ayaa jacaylkooda aan ku ekeynin jilitaan kaliya, waxayna is guursadeen sanadkii 1980-kii. Wiilkooda Ranbir Kapoor, wuxuu ka mid yahay jilayaasha hadda ugu caansan shirkadda Bollywood-ka, taageerada weynna heysta." https://www.bbc.com/somali/war-52650408 +health Carruurta akhlaaqda ma baran karaan inta ay caloosha hooyada ku jiraan? Wakaaladda wararka ee Hinidya PTI oo soo xigatay xoghayaha hay’ad qaranka Hindiya laga leeyahay Madhuri Marathe, waxay sheegtay “in haweenka uurka leh loo billaabay olole loogu magacdaray Garbh Sanskar oo ilmaha uurka ku jira lagu barayo akhlaaqda.” Madhuri wuxuu sheegay in la qabtay aqoon-isweydaarsi ay soo diyaarsiay Jaamacadda Jawahar Lal oo ku taalla magaalada Delhi oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 80 dhakhaatiir oo ku takhasusay cudurrada haweenka (gynaecologist) oo ka kala socda 12 gobol. “Barnaamijkan wuxuu soconayaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurka ku jira inta ay laba sano ka gaarayaan,” ayuu yiri Madhuri Marathe. Ilmaha uurka hooyada ku jira wuxuu baran karaa ilaa iyo 500 oo eray ka hor inta uusan dhalan. Haddaba su’aasha Meesha taalla waxay tahay dhab ahaan ma fahmi karaan erey kasta ama luuqad kasta? Culimada saynisku jawaabta su’aasha wey ku kala qaybsan yihiin. Dr. Suchitra Delvi oo ku takhasusay cudurrada haweenka (gynaecologist) fadhigiisuna yahay magaalada Mumbai wuxuu sheegay ilmaha uurka hooyada ku jira codadka iney maqlayaan balse ay wax luuqad ah fahmi Karin. “Markasta oo jirka ilmaha uu koro uurka hooyada waxaa sida oo kale kora maqalka dhagaha, taasoo u sahleysa codadka dibadda inuu maqlo,” ayuu sii raaciyey. Hase yeeshee, ilmaha uurka ku jira ma fahmi karo micnaha codadka uu maqlay. Haddii la yirahdo haddii ay hooyada wax akhriso, sidee ilmuhu ku fahmi karaan waxa hooyada akhrisay? Dr. Suchitra Delvi, wuxuu leeyahay inti aan ka fikiri laheen arrimaha noocaasi ah, waa inaan ka fikirnaa carruurta dunida ku soo biiray sidi aan u siin laheen waxyaabaha noloshooda aasaasiga u ah sida cuntada iyo waxbarashada. In laga doodana waxay habboon tahay sidi carruurta loo siin lahaa dhalasho wanaagsan iyo dhaqan wanaagsan. Dhinaca kale Dr. SN Basu wuxuu sheegay daraasaduhu iney muujinayaan habka uu ilaaheey u sameeyey minka hooyada inuu dareen gaar ah uu leeyahay. Isagoo soo xigtay qoraal cimu-nafiga ku saabsan oo lagu daabacay shabakadda ‘Psychology Today’ oo Mareykanka laga leeyahay wuxuu sheegay, “In daabacadda si cad looga qeexay inta ay ilmuhu ka gaarayaan ilaa iyo 9 toddbaad iney maqlayaan shanqarta iyo codadka dhaadheer, halka marka 13 toddobaad gaaraannaa ay si wanaagsan u maqlayaan. Sida oo kalana uu kala saarayo codka hooyada iyo codka dadka kale.” ”Ilmaha hooyada ku jira haddii marar badan looga sheekeeyo sheekooyin si joogta ah, iney ilmaha caloosha ku jira si buuxda ayey uga falceinayaan,” ayuu yiri. Wuxuuna intaa ku daray, ”In daraasadda sida oo kale lagy qoray ilmaha inta uu u socda korriinka caloosha hooyada wuxuu yeelanaya dareen uu wax uu ku maqlo, uu wax ku fahmo isla-markaana uu wax ku xusuusto.” ”Inta uu ilmaha u socdo korriinka caloosha hooyada waa iney hooyadu wax wanaagsan ay sameysaa maadaamaa wax kasta oo ay sameyso ay ilmuhu saameyn ku yeelaneyso,” ayu yiri. Hormoonnada iyo saameynta ay ilmaha ku yeelanayaan “Haddii hooyada uurka leh ay dhibaatooyin dhaka hormoonnada ay haystaan wuxuu saameyn taban uu u geysan karaa ilmaha cloosha ku jira,” ayuu yiri Dr Suchitra delvi. Suhitra oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay hormoonnada hooyada ee ka dhashay farxadda, murugada iyo walwalka intaba waxay saameyn u geysanayaan ilmaha taasoo loo hayo caddeyn sayniska uu taageerayo. Waxayna saynisyahannadu isku raacsan yihiin in loo baahan yahay hooyada xilliga ay uurka leedahay inta awooddeeda ah iney cunto cuntooyinka nafaqada leh ee isku dheellitiran, iyo in hooyada laga ilaaliyo wax kasta oo dhibatoo jireed iyo mid maskaxeed u keeni kara. Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Banaras Hindu oo ku taalla gobolka Paradesh waxay xaqiijiyeen buuqa iyo muusika codka dheer iney saameyn u geysanayaan ilmaha caloosha hooyada ku jira. Khubarada uu ka midka yahay Dr. Sunita Suman oo ka tirsan jaamacadda BHU wuxuu hosta ka xarriiqay iney adagtay xog faahfaahsan in laga helo ilmaha uurka ku jiro fahankooda, dareenkooda iyo falcelinta ay ka sameyn karaan waxyaabaha bannaanka ka dhacaya balse la isku raacsan yahay ilmuhu iney wax dareemayaan inta ay ifka iman. Balse aragtiyada ay siyaasiyiinta iyo dadka aaminsan Hinduuga ay isla dhex marayaan ee ah ilmaha caloosha ku jira iney wax weliba fahmayaan ay waxba ka jirin oo aan loo hayn taageero dhanka Saayniska ah. https://www.bbc.com/somali/articles/c25x1zqdr57o +politics "Haweeney la dhalatay Trump oo ku tilmaamtay ""beenaale aan mabda' lahayn""" "Haweeney la dhalatay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, marna ahayd xaakiim heer federaal ah, ayaa sheegtay in walaalkeed uu yahay beenaale aan ""wax mabda' ah"" lahayn, sida lagu ogaaday cod sir ah oo laga duubay. Hadalkaasi adag ee ay sheegtay Maryanne Trump Barry oo da' ahaan ka weyn Madaxweynaha, ayaa waxaa si qarsoodi ah uga duubtay gabar ay eedo u tahay oo lagu magacaabo Mary Trump, taasoo bishii hore daabacday buug ay si weyn ugu dhaliishay Mr Trump. Mary Trump ayaa sheegtay inay codka u duubtay si ay isaga difaacdo dacwad maxkamadeed oo uga timaado eedadeed. Madaxweyne Trump oo ka jawaabay arintaasi ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad waxa uu ku yiri ""maalinba wax horleh ayay sheegaan, yaa se u joojinaya."" Shan arrimood oo naxdin leh oo ku jira buugga lagu kashifayo Donald Trump Maxaad ka ogtahay qoyska Trump? Codkaasi sirta ah ayaa waxa markii u horreysay ka hadashay jariirada Washington Post, waxaana markii dambe helay wakaaladda wararka ee Associated Press. Maryanne Trump ayaa ku dhaliishay maamulka Trump siyaasaddiisa ku aaddan soogalootiga, taasoo horseeday in carruur da' yar lagu xiro goobo dadka lagu hayo oo ku yaal xuduudda Maraykanka iyo Mexico. ""Waxa uu doonayo oo keliya ayaa ah inuu raali-geliyo dadka taageersan,"" ayay tiri. Mary Trump ayaa buuggeeda ""Sida uu qoyskeyga uga dhashay ninka ugu khatarta badan caalamka"" ku sheegtay in adeerkeed uu saaxiibkii lacag ku siiyay si uu ugu galo imtixaanka SAT loo yaqaano ee ay qaataan ardayda ku biiraya jaamacadaha Maraykanka. Maryanne ayaa codka laga duubay uga hadashay arinkaasi, waxa ayna tilmaamtay inay xitaa garaneyso magaca saaxiibkaasi u fariistay imtixaanka. ""Waxa uu ku helay jaamacadda Pennsylvania kadib markii uu qof kale u qaatay imtixaanka,"" ayay tiri haweeneydaasi la dhalatay Trump. Maryanne ayaa taageero u ahayd walaalkeed Donald Trump, waxaana ay horay u sheegtay inay leeyihiin xiriir dhaw. Waxa ay mar ka warrantay sida uu Donald Trump maalin kasta cisbitaalka ugu soo booqan jiray xilli ay qalliin gashay. Mary Trump, oo hadda 55 jir ah, waa gabadha uu dhalay Fred Trump Jr, oo ah madaxweynaha walaalkiis ka weyn. Fred Trump Jr, wuxuu geeriyooday sanadkii 1981-kii, xilligaas oo ay da'diisa ahayd 42 sano. Inta badan waqtigii noloshiisa wuxuu dhibaato badan kala kulmay isticmaalka maandooriyaha, dhimashadiisa xilliga hore timidna waxaa sababay wadne xanuun lala xiriiriyay maandooriyihii uu isticmaali jiray. Madaxweyne Trump wuxuu geerida walaalkiis u soo qaataa dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha lala qabsado." https://www.bbc.com/somali/war-53883338 +health Booliska Kenya oo ka digay qawlaysato gabdhaha yaryar af-duubanaysa "Booliska Kenya ayaa wada baadhitaan ay ku hayaan 'qawlaysato internet-ka"" adeegsata oo hablaha yaryar ee intan fayraska karona jiro xaafadaha jooga ku saba [ballanqaadyo] been ah oo ku dirqiya in jidhkooda laga ganacsado. Arintan ayaa soo shaac baxday markii saddex hablood oo yaryar oo dhawr iyo toban jirro ah ay boolisku ka soo furteen qawlaysato haysatay. Saddexda gabdhood waxay booliska u sheegeen in bog baraha bulshada ka mid ah looga soo diray martiqaad ah in ay ka soo qayb galaan ''xaflado"" ka dhacayey magaalada. Dowladda Kenya oo "" baareysa ka ganacsiga caruurta "" Booliska ayaa waalidiinta digniin ugu sheegay in ay caruurtooda isha ku hayaan. ''Waaxda dembi baadhistu waxay ku wargelinaysaa bulshada in aanu ku daba jirno xubno ka tirsan kooxdaa qawlaysatada ah oo dhawaan la soo qaban doono si falal dembiyeedka ay galeen loogu ciqaabo"" ayaa boolisku yidhi. Dhacdooyinka hablaha yaryar ee la waayayo - ama baxsanaya marka internet-ka loogaga ballan qaado shaqooyin lacag leh- ayaa dhawaanahan ba warbaahinta Kenya tebinaysay. Todobaadkan horaantiisii ayaa gabdhahaa yaryar midkood haweenay ay ehel yihiin iyadoo ooyeysa muuqaal codsi ah ku baahisay Twitter-ka oo ay ku sheegtay in ay suurto gal tahay in gabdhahaa yaryar ee la la'yahay ay dhici karto in dalka laga tahriibiyo si jidhkooda looga ganacsado. Haweenaydaas ayaa sheegtay in inanta yar ee ay ehelka yihiin Sabtidii la waayey ka dib markii qawlaysatadaasi ugu ballan qaadeen in la siinayo shaqo dhar xayeysiin ah. ''Inantayada iyo hablo kale oo 16 jirro ah ayaa iyaga oo lix ah aan ilaa haatan jaan iyo cidhib meel ay dhigeen laga war haynin"" ayay tidhi haweenaydaa muuqaalka iska soo duubtay. Jimcihii ayaa boolisku qoraal ay ku baahiyeen Twitter-ka ku sheegeen in dembi baadheyaal ka tirsan laanta daryeelka dhallaanku ay soo samata bixiyeen todoba hablood oo la la'aa. Kuwa kalena waa lagu raad joogaa, ayaa qoraalku intaa ku sii daray. Faahfaahin kale oo dheeraad ah may bixin oo ku saabsan goobta hablahaa laga helay iyo in cid loo xidhxidhay arintaas iyo in kale. Laanta dembi baadhistu waxay sheegtay in kooxdaa qawlaysatada ah ee Nairobi ka hawl gashaa ay adeegsato lambarro telefoono dibadeed ah. ''Baadhitaan ayaa socda waxaanan doonaynaa in aanu digniin adag u dirno shakhsiyaadka ka faa'iidaysanaya safmarkan korona ee hablaha yaryar ee ciyaala iskuulka ah ugaadhsanaya, waxaanan u sheegaynaa in aan gacanta ku dhigi doono""ayaa laanta dembi baadhistu ku tidhi qoraal ay ku baahisay Twitter-ka. Bishan horaanteedii ayaa Kenya xoojisay xayiraadaha ka hortagga fayraska korona madaama oo uu cudurku soo laba kacleeyey oo dad badani u dhinteen. Kenya oo shaacisay shuruudaha ay ciidamadeeda uga saareyso Soomaaliya Waxa la mamnuucay in dadku meelo iskugu yimaadaan sidoo kalena waxa la soo rogay bandoo habeenkii ah. Iskuullada ayaa xidhnaa ilaa bishii Maarij laakiin fasallo gaar ah ayaa dib loo furay bishii Oktoobar. Xukuumadduna waxay sheegay in aan iskuulada si buuxda loo furi doonin ilaa bisha Jeeniweri ee sannadka dambe. Tirada dadka Kenya waa 53 milyan oo qof, waxaana la xaqiijiyey in ka badan 75,000 oo qof in fayrasku ku dhacay oo ay 1,349 u dhinteen sida ay sheegtay xog laga helay Jaamacadda Johns Hopkins." https://www.bbc.com/somali/war-55033478 +business Maxay tahay sababta eygan loo siiyay shanta milyan ee doollar? Waxaa qaar kamid ah warbaahinta dalka Mareykanka ay aad u hadal hayeen maalmahan arrin ka dhacday dalkaas oo dhif iyo nadir ah. Nin u dhashay Mareykanka ayaa lacag malaayiin doollar ah dhaxal ahaan uga tegay ey uu lahaa, si loogu xanaaneeyo. Ninka dhintay oo lagu magacaabi jiray Bill Dorris ayaa geeriyooday sanadkii hore, waxaana isaga iyo eygiisaba ay ku wada noolayeen magaalada Nashville ee gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka. Warqad uu qoray ayuu ku sheegay in eygaas uu uga tegay lacag dhan 5 milyan oo doollar. Ninka dhintay oo lagu magacaabo Bill Dorris ayaa eyga uga tegay haweeney kale oo lagu magacaabo Martha Burton oo ay saaxiibo ahaayeen. Warqadda dardaranka ayuu ku sharraxay sida iyo cidda ay tahay in la siiyo hantidiisa. Bill Dorris ayay da'diisu ahayd 84 sano jir, wuxuuna horay u sheegay in sababta lacagta uu uga tegay eyga ay tahay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha eyga, sida cunadiisa, daweyntiisa iyo dadka u adeegaya inkastoo haweeneyda uu kala dardaarmay ay gacanta ku heyso. Ms Burton oo ah haweeneyda hadda mas'ulka ka ah eyga ayaa sheegtay in Bill Dorris uu aad u jecla eygiisa, waxayna intaa ku dartay in aysan suurtagal ahayn in lacagtaas ay iyada iyo eygaba ay wada isticmaali karaan balse ay isku dayi doonaan. Lacagta ayaa la sheegay inay gacanta ku heynayaan qolyaha qaabilsan xanaanada xoolaha, waxaana marwalba haweeneyda gacanta ku heysa loo soo diri doonaa lacagta uu eyga u baahan yahay iyo haddii ay jiraan kharashaad kale oo ay u adeegsato xanaanada eyga. Inkastoo milkiyadda eyga uu markii hore kahor inta uusan dhimanin Bill ku wareejiyay haweneyda, haddana Burton waxay hadda si toos ah ula wareegtay ama ay u dhaxleysaa eygan oo la aaminsan yahay in lacagtii uu ku noolaan lahaa iyo ka baddanba uu uga tegay ninkii lahaa. Ilaa iyo hadda ma cadda in ninka dhintay uu lahaa qoys ama inay jiraan lacaga kale oo aan ka ahayn 5 milyan ee doollar oo uu dhaxal ahaan uga tegay. Arrintan ayaa ka fajecisay dad badan oo ku nool meela badan oo caalamka, waxayna si gaar ah ula yaabeen sida lacag intaa la eg dhaxal ahaan loo siiyay eyga oo dad badan laga yaabo in aysan waxtar badan u arkin, waxaase dadka qaar ay ku doodayaan in lacagtaas ay sidookale ahayd in la sadaqeeyo oo la siiyo dad badan oo aanan awoodin wax ay cunaan xilligan oo uu dunida aafeeyay feyraska corona. https://www.bbc.com/somali/war-56059430 +politics Geesiga dadka ka badbaadiyay Al-shabaab oo xil muhiim ah loo doortay Doorashada Kenya ee tirinteedu socota dadka ku soo baxay Aqalka Sare ee Soomaalida ah waxaa ka mid ah Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf Xaaji,oo laga soo doortay magaalada Gaarissa ee gobalka Waqooyi-bari Kenya. Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka socday Xisbiga (Jubilee) waxaa la tartamay labo murashax oo kala ah Shaalle Maxamed iyo Axmed Rashiid Qoriyow, oo uu kaga adkaaday doorashadii dhacday Talaadadii aan soo dhaafnay, waxaana kursigaan uu horeyay ugu hayay Maxamed si ku meel-gaar ah kadib markii aabihii Maxamed Yuusuf Xaaji uu geeriyooday 15 -kii Febaraayo ee 2021-ka Allaha u naxariistee aabihii Yuusuf Xaaji wuxuu sidoo kale soo noqday wasiirka gaashaandhigga Kenya intii u dhaxeysay sanadihii 2008 iyo 2013. Geesigii Westgate Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf Xaaji waxaa aad loo bartay sanadkii 2013-kii markii ururka Al-shabaab ay weerar dad badan ku dhinteen ku qaadeen suuqa sida weyn looga dukaamaysto ee Westgate ee ku yaalla xaafadda Westlands ee magaalada Nairobi. Wuxuu aad uga qayb qaatay badbaadintii dadkii Al-shabaab ku go’doomiyeen gudaha suuqa. Waxaa xilligaas baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha Kenya qabsaday sawirro iyo muuqaallo uu leeyahay iyadoo lagu ammaanay doorkii uu ka qaatay soo badbaadinta dadkii gudaha suuqa ku jiray,xilli waliba dableydii weerarka gaysatay ay ku jireen gudaha. Kama tirsaneyn ciidamada, balse sida uu sheegay waxa uu goobta u tagay xilligaas in uu soo badbaadiyo walaalkii oo ka mid ahaa dadkii ku xayirmay dhismaha. Xilligaasi waxa sawirada ka muuqday nin bastoolad sita, dhismahana ka saaraya caruur iyo Dumar naxsan oo ku jah-wareeray weerarkii. Xilligaas waxaa lagu tilmaamay geesi kaalin wanaagsan ka qaatay.Abaal marin ayaa sidoo kale lagu siiyay qaybta uu ka qaatay samatabixinta dadkii weerarku ku qabsaday dhismaha suuqa. Cabdulqaadir iyo Siyaasadda Waa nin ganacsade ah oo ku cusub siyaasadda,balse qoyskiisu kuma cusba siyaasadda oo aabihii Maxamed Yuusuf Xaaji,sidaan soo xusnayba wuxuu soo noqday wasiirka gaashaandhigga,kan arrimaha gudaha,guddoomiye gobol iyo xildhibaan Aqalka sare ah.Walaalkii Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji hadda waa dacwad oogaha guud ee Kenya. Intii uu ololaha ku jiray wuxuu sheegay in haddii la doorto uu wax badan ka qaban doono baahiya bulshada Gaarisa. https://www.bbc.com/somali/articles/c4n9x91yewxo +politics Ilhaan Cumar oo gaartay guul siyaasadeed oo muhiim ah Ilhan Cumar ayaa saacado ka hor ku guulaysatay wareegga koobaad ee codbixinta isreereebka uu xisbigeeda ku xulanayo musharraxa degmada 5-aad ee kursiga ay hadda ku fadhido ku matalaya doorashada Congress-ka ee lagu wado inay dhacdo bisha November. Codbixinta xisbiga Dimuqraadiga oo loo sameeynayay qaab email ah ayaa waxay socotay 9 maalmood ee ugu dambeysay. Cudurka Corona ayaa horistaagay in ergada xisbiga ay isu yimaadaan si ay u codeeyaan taasi oo sababtay in qaabka Emil-ka lagu codeeyo. Ilhaan ayaa tartanka kaga guuleystaya Antone Melton oo ahaa nin madow ah islamarkana si wayn u dhaliilayay waxqabadkeeda intii ay xilka haysay. Xildhibaanada aqalka Congreska Ilhaan Cumar ayaa heshay 65.5% codadkii la dhiibtay, halka Antone Melton oo kaalinta labaad soo galay uu helay 30.9%. Waxaa sidoo kale tartankan is-reerebka xisbiga Dimuqraadiga ku jirtay Leylo Shukri Adan oo ah gabadh Soomaaliyeed. Ilhaan Cumar oo 37 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka. https://www.bbc.com/somali/war-52794618 +business Shiinaha: Shirkadaha iibka dhulka iyo guryaha oo lacag ahaan u qaadanaya qare iyo khudaar kale "Shirkadaha Shiinaha qaar ee iibiya dhulka iyo guryaha ayaa sheegay in ay lacag ahaan u qaadan doonaan cunto. Arrintan oo taagan dhowrkii bil ee la soo dhaafay ayay uga golleeyihiin inay ku soo jiitaan macaamiil. Shirkaduhu waxay xayaysiiyeen heshiisyo ay dadka ugu oggolaanayaan inay isticmaalaan wax-soo-saarka beeraha - oo ay ku jiraan qaraha iyo toonta – xilliyada ay lacagaha ugu horreeya ka bixinayaan guryaha cusub. Iibka guryaha ee Shiinaha ayaa hoos u dhacayay 11 bil oo xiriir ah, iyadoo isbuucaan mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ay iska bixin waysay deymihii lagu lahaa. Toddobaadkii hore, shirkad iibisa dhulka oo ku taalla magaalada bariga ku taalla ee Wuxi ayaa sheegtay inay oggolaan doonto nooca miraha beeraha ee lagu magacaabo biij (peach) in lagu bixiyo lacagaha hordhaca ah ee guryaha, taas oo u dhigmi karta in la dhimo ilaa 188,888 lacagta yuan ee Shiinaha oo u dhiganta $28,218 ama £23,289, waxayna u qaadaneysaa qaab u dhigma lacagta ugu horreysa ee guryaha. Shirkad kale oo ku sugan Nanjing oo u dhow magaaladaas ayaa sheegay inay beeraleyda ka aqbali doonto ilaa 5,000kg oo qare ah. Waxay ku qiimeysay in ay tahay wax-soo-saar u dhigma 100,000 yuan oo lacagta Shiinaha ah – qiimahaas wuxuu ka badan yahay kan uu qaruhu ka gooyo suuqyada maxalliga ah. Si kastaba ha ahaatee, xayeysiinta oo loogu talagalay in ay sii socoto ilaa Jimcaha soo socda ayaa la hakiyay, sida uu sheegay wargeyska Global Times ee ay dowladdu maamusho. ""Waxaa naloo sheegay inaan tirtirno dhammaan boodhadhka xayaysiimaha ee baraha bulshada,"" ayuu wargeysku ka soo xigtay wakiilka shirkadda isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah. Bishii May, shirkadda Central China Management waxay samaysay olole 16 maalin socday, oo ay ku aqbashay in toon lagu bixin karo si u dhiganta lacagaha hordhacaha ah ee laga shubo guryaha ee gobolka Qi ee Shiinaha, oo ah gobolka ugu weyn ee ay ka baxdo toonta. ""Waxaan beeralayda u fududaynaynaa inay iibsadaan guryaha,"" ayay shirkaddu ku tiri barta WeChat. Sida uu dhigayo heshiiska, hal xabbo oo toon ah, oo u dhiganta ku dhowaad ​​600g, ayaa lagu qiimeeyay shan yuan oo lacagta Shiinaha ah, taas oo ku dhow saddex laab qiimaha suuqa. Shirkaddu waxay sheegtay inay aqbashay 860,000 oo xabbo oo toon ah oo lagula galay heshiisyo ku saabsan 30 guri. Taas oo jirta, waxay shirkaddu tirtay xayaysiis ku saabsanaa heshiis kuwaas la mid ah oo lagu gali  karo qamadiga (sareenka), kaas oo lagu soo bandhigay WeChat bishii hore. BBC-da ayaa shirkadda wax ka waydiisay arrintaas, laakiin si degdeg ah ugama aysan jawaabin. Khubarrada ayaa sheegay in heshiisyada noocaas ah ay qeyb ka yihiin hab ay shirkaduhu ku heli karaan shuruucda dowladda ee xaddidaysa cabbirka ugu hooseeya ee loo oggol yahay inay wax dhimaan. Tirooyinka rasmiga ah ee May ayaa muujinaya in iibinta guryaha la dego ee Shiinaha ay sanad ka hor hoos u dhacday 41.7 boqolkiiba, waa hoos u dhac isku xigxiga muddo 11 bil ah oo xiriir ah." https://www.bbc.com/somali/articles/c51895gz1jyo +business Nin baadigoobaya malaayiin dollar oo 9 sano ka hor uga luntay “qashin qub” Ku dhawaad 10 sano ka hor, James Howells ayaa lumiyay mid qalabka uu ku keydiyo xogta (hard drive) oo ay ku jiraan macluumaadka Bitcoin, xilli uu nadiifinayay gurigiisa. Macluumaadka Bitcoin ee ku jiray qalabkaas ayaa qiimihiisa haatan lagu sheegay 184 milyan oo dollar, waxaana Howells uu damacsan yahay inuu faago qashin qub uu tuhunsan yahay in qalabkaas lagu tuuray. Howells oo injineer tiknolaajiyadda ah ayaa u ballanqaaday maamulka magaalada Newport ee Wales ee maamula qashin qubkaas inuu siin doono 10% lacagta ku jirta qalabkaas, waa haddii loo oggolaado inuu sameeyo baadigoobkiisa. Hase yeeshee maamulka magaalada ayaa ku doodaya in faagidda qashinkaas ay horseedi karto dhibaato ku timaada deegaanka. Qorshaha uu ku doonayo in qalabkaas looga baaro qashin qubka ayaa noqon doona hawl adag, maadaama ay tahay in la faago jawaano qashin ah oo halkaa yaallay muddo tobanaan sano ah. Howells ayaa rumaysan in sanado badan kadib uu hadda haysto dhaqaalo ku filan iyo hab casri ah oo ku baadigoobi karo hard drive-kaas ay ku jirto xogta lacagta badan. “Faagidda qashin qubka ayaa noqon doonta hawl ballaaran. Waxaan soo iibsaday qalab tiknoolajiyad ku shaqeeyo oo si fudud u ogaan kara halka uu yaallo hard drive-ka. Sidoo kale, waxaa hawsha ila fulin doona khubaro deegaanka fahansan,” ayuu yiri Howells. Qabada kale ayaa ah in xitaa haddii la helo hard drive-ka uu noqon doono mid hagaagsan oo si badqab leh looga soo saaro xogta ku keydsan. Haddii se ay wax waliba noqdaan sida uu rabo Howells, waxa uu heli doonaa lacag malaayiin dollar ah, inkastoo qeyb kamid ah lacagtaas ay goosan doonaan hay’adaha siiyay qalabka iyo khubarada. Horumarinta magaalada James Howells ayaa doonaya in haddii uu helo maalkaas ka lumay uu mashaariic horumarin ah ka sameeyo magaaladiisa Newport. “Waxaan doonayaa in aan sameeyo goob ay bulshada magaalada ka urursan karto xogta Bitcoin, isla markaana ay xaruntaas noqonto mid isticmaasha tamar aan hawada wasakheyn doonin,” ayuu yiri Howells. Waxa uu sidoo kale doonayaa in dhammaan dadka ku dhaqan magaaladaas uu midkiiba siiyo Bitcoin u dhiganta 50 pound, si uu u dhiirageliyo. Sidaa oo ay tahay, maamulka magaalada Newport ayaa weli ku adkeysanaya in Howells aan loo oggolaan karin inuu faago qashin qubka, maadaama taasi ay horseedi karto dhibaato dhanka deegaanka ah. https://www.bbc.com/somali/articles/c0dwnmz2r2no +health Shan faa'iido oo laga helo biyaha qumbaha "Biyaha qumbaha ayaa mararka qaarkood lagu tilmaamaa in ay yihiin cabitaan mucjiso ah. Jo Lewin oo ku takhasusay cuntootinka nafaqada ah ayaa sharaxaya sheegashooyinkan caafimaad. Muddo dheer ayey jirtay aragtida ku saabsan in faa'iidooyin caafimaad oo badan laga helo biyaha qumbaha, oo sidoo kale aan ognahay in waxyaabo kalena laga sameeyo, sida nooc ka mid ah saliidda. Biyaha qumbaha waa dareere cad oo laga helo gudaha mirta cagaarka ah ee qumabaha aan weli bislaan. Qumbaha cagaaran ayaa mudnaanta la siiyaa sababtoo ah biyahiisa aad bay u dhadhan fiican yihiin, muggooduna wuu badan yahay, sidoo kale si fudud ayaa loola soo bixi karaa. Dhandhanka biyaha qumbaha wey kala duwan yihiin iyadoo ay ku xiran tahay halka laga beero. 100 mililiter oo biyaha qumbaha ah waa ku jira: 18Kcal / 75KJ 0.2 garam oo borotiin ah 0.0g oo dufan ah 4.1g Carbohydrates ah 4.1g Sonkor ah 165 miligaram oo potassium ah Biyaha qumbaha waa isha macdanta dabiiciga ah, oo waxaa ku jira potassium, magnesium, calcium iyo sodium. Qaar badan oo naga mid ah kuma filna macdanahan muhiimka ah oo door weyn ka ciyaara shaqooyinka jirka oo dhan, oo ay ku jiraan caafimaadka wadnaha iyo shaqada lafaha iyo murqaha. Run ahaantii, qaar ka mid khuburada ayaa sheegaya in biyaha qumbaha ay la siman yihiin macdanaha dheelitiran ee laga helo cabitaanada la yirahdo ""isotonic"" ee tamarta laga helo. Waxaa jira cuntooyin badan oo qani ku ah potassium-ka kuwaas oo laga yaabo inay ka jaban yihiin kana badan yihiin biyaha qumbaha. Cilmi-baarisyada xayawaanka ayaa waxay soo jeedinayaan in biyaha qumbaha ay ku jiraan nafaqooyinka ilaaliya unugyada jirka. Labo ka mid ah nafaqooyinka loo yaqaan 'phytonutrients' ee ku jira biyaha qumbaha ayaa leh saamayntan. Waxaa la kala yiraahdaa ""shikimic acid"" iyo ""caffeic acid"". Kaddib markii lagu tijaabiyay xawaanka ayaa waxaa la ogaaday inay hoos u dhigaan  calaamadaha kolestaroolka, taasoo sare u qaadeysa caafimaadka beerka. Si kastaba ha noqotee, ilaa maanta, ma jiraan daraasado lagu sameeyay bini'aadanka oo taageraya kuwa xawaanka. Daraasadaha lagu sameeyay xayawaanku waxay soo jeedinayaan in biyaha qumbaha ay gacan ka geysan karaan maaraynta maaddada ""glycemia"" oo ay yareeyaan xaaladaha caafimaad darro ee soo wajaha jirka, sida sonkorowga. Isha magnesium-ka ee ku jirta biyaha qumbaha waxay sidoo kale gacan ka geysan kartaa maareynta sonkorta ku jirta dhiigga, gaar ahaan dadka qaba cudurka macaanka. Inkasta oo daraasadaha xayawaanku ay u muuqdaan kuwo dhiirigelin ah, cilmi-baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo qiimeeyo saameynta dhinacaaadanaha. Isticmaalka dareere ku filan jirka ayaa muhiim ah si looga hortago samaynta dhagxaan kelyaha ku beerma. Daraasaduhu waxay soo jeedinayaan in cabitaanka biyaha qumbaha aysan kaliya dhimin tirada dhagxaanta, laakiin sidoo kale waxay u muuqataa inay ka hortagayaan inay dhagxaanta ku dhegaan kelyaha iyo kaadi mareenka. Waxaa la soo jeediyay in cabbitaanka biyaha qumbaha ay sare u qaadeyso firfircoonida dadka ciyaara isboortiga. Sababtoo ah waxaa ku jira carbohydrate-yada u shaqeeya qaabka gulukooska (sonkorta fudud) oo ay weheliyaan macdanta sodium iyo potassium kuwaas oo sidoo kale ku jira  cabitaannada ciyaartooyda ay isticmaalaan ee tamarta laga helo. Daraasad la sameeyay ayaa daaha ka qaadday in cabitaanka biyaha qumbaha ka hor jimicsiga ay kor u qaadeyso awoodda jimicsiga. Daraasad kale ayaa daaha ka qaadday in cabista biyaha qumbaha kaddib jimicsiga ay kaa caawinayaan inaad fuuq baxdo si la mid ah cabitaanka isboortiga ee ay ku jiraan carbohydrate-yada iyo macdanta kala duwan. Dadka intiisa badan, biyaha qumbaha waa ay isticmaali karaan. Hase yeeshee haddii ay kalyahaaga fariisteen waxaa laga yaabaa inaysan noqon isha ku habboon ee fuuq-celinta caadiga ah. Intaa waxaa dheer, biyaha qumbaha waa isha laga helo carbohydrate-yada fudud, marka haddii aad leedahay cudurka macaanka, la tasho dhakhtarkaaga guud marka hore ka hor inta aadan isticmaalin biyaha qumbaha." https://www.bbc.com/somali/articles/cevg1r1p11qo +politics Ilhaan Cumar: 'Biden wuxuu ka dhabayn waayay ballan uu horay u qaaday' "Ilhan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa si wayn uga soo horjeedsatay safarka uu madaxweyne Joe Biden ku tagay dalka Sacuudiga. Gabadhan oo Congress-ka ku matasha gobolka Minnesota ayaa sheegtay in booqashada Biden ee Sacuudiga ""ay dirayso farriin khaldan"", sida uu shaaciyay wargayska The Independent. Go'aanka uu madaxweynaha Mareykanka ku tagay Sacuudiga ayay shegetay inuu yahay mid ka hor imaanaya hadal uu horay u jeediyay oo ahaa in uu Sacuudiga ka dhigi doono ""dal go'doonsan"" kaddib dilkii loo gaystay wariye Jamaal Khaashuqji. Madaxweyne Biden ayaa sheegay in uu Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan u sheegay inuu si shakhsi ahaan ah ugu haysto mas’uuliyadda dilkii wariye Jamaal Khaashuqji. Mr Biden ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu Amiirka kulan wadahadal ah kula yeeshay magaalada Jeddah. Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa mar walba beeniya eedeymahaas. Khaashuqji oo ahaa wariye fadhigiisu yahay Mareykanka oo kasoo jeeday Sacuudiga ayaa sanadkii 2018-kii lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga. Biden ayaa markii uu xilka madaxweynaha u tartamayay, oo ahayd kaddib dilkii Khaashuqji, waxa uu yiri: ""Waxaan ku khasbaynaa inay ka qoomameeyaan, run ahaantiina waxaan ka dhigaynaa go'doonka ay hadda yihiin."" Ka hor inta uusan billaabin booqashadiisa Bariga Dhexe, waxa uu sheegay in uusan la kulmi doonin Maxamed Bin Salmaan, maadaama uu ugu careysan yahay dilkii wariyaha. Ilhaan Cumar ayaa dhaleeceysay tallaabada uu Biden u qaaday dhanka Sacuudiga, iyadoo sheegtay in ay ka turjumayso in Mareykanku uusan ku dadaalin ilaalinta xuquuqda aadanaha. ""Waxay ila tahay inay dirayso farriin khaldan oo gaaraysa qof walba oo ku dadaala ilaalinta xuquuqda aadanaha, Mareykankuna wuxuu xoojiyaa dhowrista qiimaha xuquuqul-insaanka, sida horumarinta dimuqraaddiyadda iyo u doodista dumarka,"" ayay tiri. Madaxweyne Biden, ayaa difaacay booqashadiisa la dhaleeceeyay, isagoo sheegay inuusan dooneyn inuu xiriirka u jaro dalkan, wuxuuna si toos ah ugu duulay Sacuudiga isaga oo Israa’iil ka soo kicitimay. Duullimaadka Sauudiga iyo Israa'iil isku xira oo horay mamnuuc u ahaa ayaa hadda dib loo furay, waxayna labada waddan u muuqdaan inay wax badan ka baddaleen xiriirkooda diblomaasiyadeed. Dr Axmed Sheekh Maxamed ""Axmed Tiir"", oo ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe ayaa BBC-da u sheegay in dadaalka ku saabsan arrintan uu soo jiitamayay muddo dheer. ""Arrintaas waxay ka dhigan tahay dadaal soo socday muddo dheer oo uu Mareykanka daba ka riixayay, oo ah in Israa'iil ay ku milanto Bariga Dhexe, gaar ahaan dowladaha Khaliijka, Masar iyo Urdun, oo ay ka mid noqoto dhinaca amniga, Dhaqaalaha ayna noqoto dowlad ay Carabta aqbalaan, ugana dhow Iiraan iyo dowlado kale oo Muslimiin ah,"" ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/articles/cd151w57895o +business Shidaalka ay Kenya dhoofineyso masii socon karaa? "Maanta waxay maalin taariikhi ah u tahay Kenya, ka dib markii waddanka uu markii ugu horreysay dhoofiyay shidaal uu soo saaray. Tallaabadan oo uu goob joog ka ahaa madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ahayd mid lagu tijaabinayo ganacsiga dhoofinta shidaalka ee ay Kenya dooneyso inay si rasmi ah u billowdo sanadka 2024-ka. Shirkad laga leeyahay Shiinaha, oo uu fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa ku guuleystay qandaraaskan, waxaana maanta la dhoofiyay shidaal dhan 240,000 barmiil. Xukumadda Nairobi ayaa fileysa inay labada sano ee soo socota shidaalkan ka hesho lacag dhan $84 malyan oo doolar. Waxaa la qiyaasay in keydka shidaalka ee Kenya ku jira uu gaarayo ilaa 560 malyan o barmiil. Khubarada ayaa sheegaya in marka la gaaro sanadka 2022-ka uu waddanka Kenya maalin walba soo saari karo shidaal xaddigiisu dhan yahay 100,000 oo barmiil. Mashruucan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo Kenya u horseedi kara dhaqaale fara badan, balse xaddiga shidaalka ee uu dhoofinayo waddankan ku yaalla bariga Afrika ayaa aad u yar marka la barbar dhigo waddamada saliidda qaniga ku ah. Hadaba muhimaadda uu leeyahay shidaalka ay maanta dhoofintiisa billowday Kenya ayaa waxaan ka waraysanay Dr Xasan Cali Xuseen oo ka tirsan shaqaalaha shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco. Dr Xasan ayaa sheegay in shidaalkan uu wax weyn u tarayo Kenya, dhaqaale ahaanna uu sare u qaadayo waddanka, balse uusan muddo dheer sii socon karin. ""Kenya waxay dhoofinta shidaalkan maanta ku billowday 240,000 oo foosto, oo waliba ceyriin ah, taasina micnaheedu waa inaysan kaalin weyn ka gali karin dalalka saliidda dhoofiya. Shirkadda qiimeysay shidaalkan waxay sheegtay in dhulka Turkana uu ku jiro shidaal dhan 560 malyan oo foosto, marka la gaaro 2022-ka haddii la dhiso dhuumaha shidaalka waxay Kenya dhoofin doontaa 100,000 oo barmiil maalintiiba, sidaas awgeed muddo gaaban ayuu ku dhammaanayaa shidaalka laga helay Turkana"". Wuxuu sheegay in ay jiraan waddamo kale oo sidaasoo kale shidaal aan badneyd horay ugu dhoofiyay caalamka, markii dmabena ay howshoodu ""iska soo afjarantay"". ""Arrin aad u weyn ma aha, waayo Suudaan ayaa hadda kahor shidaal sidaas u yar soo saartay, waxayna dalalka sidaasoo kale ah dhoofin jireen 100,000 ilaa 200,000 oo foosto maalintiiba, laakiin dalka Sacuudiga ee aan hadda ku noolahay, shirkadda aan ka shaqeeyo ee Aramco maalintii waxay soo saartaa in ka badan 10 malyan oo foosto, marka waddamada OPEC ee saliidda dhoofiya waxay ka hadlaan malaayiin barmiil maalin kasta, Kenya waxeedana wax badan ma aha"", ayuu yiri Dr Xasan. Shidaalka maanta la dhoofiyay ayaa laga soo qaaday gobolka waqooyiga-galbeed ku yaalla ee Turkana, waxaana lagu safriyay masaafe dhulka ah oo dhan 850 kiiloo mitir, si loo gaarsiiyo dakadda magaalada Mombasa. Kenya ayaan waqti xaadirkan lahayn dhuumo shidaalka qaada oo dhulka hoostiisa mara. Qorshe ay Kenya ku damcsaneyd inay dhuumo shidaal ku sameysato iyadoo kaashaneysa Uganda ayaa guul darreystay ka dib markii xukuumadda Kampala ay heshiis noocaas ah la gashay waddanka Tanzania." https://www.bbc.com/somali/war-49474438 +sports Manchester City oo laga mamnuucay tartannada naadiyada Yurub laba xilli ciyaareed "Kooxda Manchester City ayaa laga mamnuucay tartanada naadiyada Yurub labada xilli ciyaareed ee soo socda ka dib markii lagu helay in ay si ""cad ugu xad gudubtay"" xeerarka xuquuqda baahinta iyo hufnaanta maaliyadeed. Kooxdan oo haysata koobka horyaalka Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan 30 milyan oo Euro. Waxay se kooxdu haysataa fursad ay racfaan kaga qaadato go'aankan oo ay u gudbiso maxkamadda garsoorka Isboortiga. Maamulka Manchester City ayaa sheegay in ay ""ka xun yihiin laakiin aanu la yaab ku noqon go'aankaa eexda ah"" oo ay racfaan ka qaadan doonaan. Muxuu yahay kiiska ay Manchester City ku seegi karto ka qeyb galka Champions League-ga? Guardiola: ‘Ma filaayo in Messi uu ka tagaayo Barcelona’ Gudig la socodka xisaabaadka naadiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo CFCB ayaa sheegtay in kooxdu jabisay xeerarka maadaama oo ay ""buunbuunisay dakhliga ka soo gala taageerada dhaqaale ee ay hesho ee xisaabaadkeedii sannadihii 2012 iyo 2016"". Waxa kale oo wararku tibaaxeen in sidoo kale kooxdu mudan karto in dhibcaha tartanka haatan socda ay ka haysato wax laga jari doonoo maadaama oo xeerarka xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska iyo kuwa xidhiidhka kubadda cagta ee Yurub ay wax badan iskaga mid yihiin. Waxa se jirta in aan ciqaabtaasi saamayn doonin kooxda hablaha ee Manchester City. Warbixin ay soo saartay Manchester City ayay ku tidhi ""kooxdu waxay had iyo goor doonaysay in ay hesho gole madax banaan oo aan eexayn oo ay ku soo bandhigto caddaymaha aan la dafiri karin ee ay ku garnaqsanayo. Bishii Diisember 2018 hanti dhawraha guud ee UEFA si waadax ah ayuu u baadhay xisaabaadka kooxda waxaanu sheegay in uu diyaar u ahaa in uu Manchester City u soo gudbiyo wixii u soo baxa ka horta inta aan wax baadhis dembiyeed ah la bilaabin"" Go'aankani intii aanu soo bixin ka hor isku aad aadka kooxaha ee tartanka horyaalka Yurub waxay Man City isku soo beegmayeen kooxda Real Madrid oo ay wareegga labaad is aragga koobaad wada ciyaari lahaa 26 bishan Feeberweri. Gudoomiyaha horyaalka Spain ee La Liga, Javier Tebas, ayaa ku amaanay EUFA in ""ay kama dambaystii go'aan meel mara gaadhay"". ""Adkaynta xeerarka maaliyadeed iyo in la ciqaabo ciddii ku xad gudubtaa waxay muhiim u yihiin mustaqbalka ciyaaraha kubadda cagta"" ayuu yidhi." https://www.bbc.com/somali/51514122 +politics Xil ka qaadista Trump: Maxaa ku dhaca marka madaxweyneyaasha laga gudbiyo xil ka qaadista? "Madaxweyne Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay Mareykanka ee labo jeer ay xil ka qaadis ka gudbiyaan Aqalka Wakiillada -wuxuuna ka mid yahay saddex madaxweyne oo hore xil ka qaadis looga gudbiyay. Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa wixii ku dhacay kuwii ka horreeyay. Iyadoo uu socday dagaal sokeeye, Madaxweyne Andrew Johnson - oo Dimuqraaddiga ka tirsanaa - ayaa si joogto ah waxay Kongareeska oo uu maamulayay Jamhuuriga isugu dhici jireen sidii dib loogu dhisi lahaa Koofurta Mareykanka ee laga guuleystay. ""Jamhuuriyiinta xagjirka ahaa"" ee xilligaas ayaa dabada ka riixayay sharci lagu ciqaabayo hoggaamiyeyaashii hore ee gobollada isbahaystay laguna dhowri lahaa xuquuqda addoomadii la xoreeyay. Johnson ayaa codkiisa qayaxan ee madaxtinnimada u adeegsaday inuu is hortaago dadaalkii Jamhuuriyiinta. Bishii March, Kongareeska ayaa ansixiyay sharci meesha ka saaraya awoodda uu madaxweynuhu u leeyahay cayrinta xubnaha ka tirsan golihiisa wasiirrada iyadoo uusan anisixin Aqalka Sare. Johnson oo taas ka carooday ayaa shaqada ka tiray xubin wasiirrada ka tirsanaa isla markaana mucaarad ahaa, Edwin Stanton, iyadoo uu Konagreesku hakad ku jiray. Stanton ayaa xil ka qaadistiisa kaga falceliyay inuu isku soo xiro xafiiskiisa isagoo diiday inuu ka baxo. Xil ka qaadista Stanton ayaa waddo cusub furtay. Jamhuuriyiinta Aqalka ayaa degdeg u soo saaray 11 qodob oo xil ka qaadis ah. Kaddib markii cod loo qaaday qodobbadaas waxaa loo gudbiyay Senate-ka, halkaas oo xilka looga qaaday. Sida laga soo xigtay dadka qaar, Johnson ayaa aad uga gubtay warka xil ka qaadistiisa, isagoo wacad ku maray inuu ka gilgilan doono soona celin doono sharaftiisa. Balse taas uma socon. Wuu sii watay intii uga harsaneyd muddo xileedkiisii madaxtinnimada, balse bilihiisii ugu dambeeyay wuxuu la daalaa dhacayay isla dhibaatooyinkii awoodda ee qalqalka geliyay muddo xileedkiisa kahor inta aan xil ka qaadista laga gudbin. Sanadkii 1869, Dimuqraaddiyiinta ayaa lumiyay awooddii Aqalka Cad iyadoo uu kala wareegay musharraxii Jamhuuriga Janaraal Ulysses S Grant, oo oggolaaday inuu sii socdo qorshihii xisbigiisa ee dib u dhiska. In xil ka qaadis laga gudbiyay. Iyo inuu sanadkii 1867 Alaska ku iibsaday lacag dhan $7.2m. Johnson wuxuu sidoo kale ka mid ahaa madaxdii ugu saboolsaneyd. Weligiis iskuul ma uusan tegin. Xil ka qaadistii uu qarka u saarmay Richard Nixon waxay ka dambeysay markii sanadkii 1972 loo dhacay xarumaha xisbiga Dimuqraaddiga ee dhismaha Watergate ee maagalada Washington DC. Iyadoo baaritaanno la sameeyay ay caddeeyeen in lacag laga dhacay xarumahaas lagu bixiyay deeqihii ololihii dib u doorashada Nixon, fadeexaddii Watergate ayaa ka gudubtay dhacii loo geystay xarumaha xisbiga, iyadoo gashay saraakiil ka tirsanaa Aqalka Cad. Muddo ku dhow labo sano, Nixon wuxuu isku dayayay inuu qariyo doorkii uu ku lahaa khiyaanadaas. Dadaalka madaxweynihii Jamhuuriga ka tirsanaa ayaa miro dhali waayay. Bishii August 1974, iyadoo Guddiga Aqalka Caddaaladda ay dyaarinayaan qodobbada xil ka qaadista, Nixon waxaa lagu qasbay inuu soo bandhigo cod laga maqli karay madaxweynaha oo shaqaalihiisa ku amraya in CIA ay FBI u sheegaan inay joojiyaan baaritaanka ay ku hayaan dhacii Watergate. Codkaas oo cajalad ku duubnaa ayaa soo afjaray wixii uu Nixon isku dayay inuu daaha saaro. 27-KII July, Aqalka Guddiga Caddaaladda ayaa u codeeyay meel marinta saddex qodob oo xil ka qaadis ah - is hortaagidda caddaaladda, si xun u isticmaalidda awoodda iyo hoos u dhigidda Kongareeska - waxayna u direen Aqalka si si buuxda loogu codeeyo. Balse, codka marna lama qaadin. Taariikhdu markay ahayd 8-ddii August, 1974, Nixon ayaa is casilay. Wuxuu noqonayaa madaxweynihii keliya ee Mareykanka ee sidaas sameeya. ""Weligey qof is dhiiba ma ahay,"" ayuu ku yiri khudbaddiisii is casilaadda. ""Inaan xafiiska ka tago ka hor inta aysan muddada ii dhammaan aad ayay ii dhibeysaa. Balse madaxweyne ahaan, waa inaan horumariyaa danta Mareykanka."" Madaxweyne ku xigeenkii Gerald Ford ayaa lix toddobaad kaddib xilka loo dhaariyay, wuxuuna Nixon ka cafiyay dembi walba oo uu geystay intii uu xilka hayay. Doorasho la qabtay wax ka yar labo sano kaddib, Ford waxaa xilka kala wareegay Jimmy Carter oo Dimuqraaddi ahaa. Waa fadeexddii Watergate. Inkastoo uusan weligiis qiran inuu dembi galay, ficilladiisii ayaa ilaa iyo hadda tusaale loogu soo qaataa ku tumashada awoodda. Nixon ayaa geeriyooday bishii April 1994, 20 sano kaddib markii uu sharaf xumo darteed isku casilay. Mar uu ka hadlayay duugtiisa, madaxweynihii hore Bill Clinton wuxuu diiradda saaray howlihii uu Nixon ka qabtay arrimaha dibadda. Sanado yar kaddib markii Madaxweyne Bill Clinton uu ku baaqay cafinta guul darrooyinkii Nixon, ninkan Dimuqraaddiga ka tirsanaa ayaa wajahayay xasarado siyaasadeed. Sanad gudihiis markii uu xilka qabtay, Mr Clinton waxaa baaritaan ku sameeyay dacwad ooge gaar ah oo ka tirsanaa Waaxda Caddaaladda. Baaritaankii ku lug lahaanshaha hanti guryo ah wuxuu sii ballaartay bishii January 1998 waxaana lagu soo daray xiriirkii jaceyl ee uu madaxweynuhu la lahaa gabar Aqalka Cad ka shaqeyn jirtay oo lagu magacaabo Monica Lewinsky. Iyadoo ay qeyb ka ahayd dacwad kale oo madaxweynaha lagu soo oogay - oo ahayd tacaddi jinsi oo uu kula kacay Paula Jones - Mr Clinton waxaa wax laga weydiiyay xiriirkii uu la lahaa Ms Lewinsky. Dhaarin dhacday 17-kii January ayuu Mr Clinton ku beeniyay inuu gabadhaas xiriir la lahaa. Maalmo kaddib, Mr Clinton ayaa sii laa jibbaaray dafiriddiisa. ""Waxaan idinka doonayaa inaad i dhegeysataan,"" Madaxweyne Clinton ayaa sidaas ugu sheegay warbaahinta, shir jaraa'id oo uu Aqalka Cad ku qabtay. ""Wax galmo ah lama sameyn haweeneydaas, Monica Lewinsky. Weligey marna cid been ugama sheegin, ma aha mar, ee weligey ma sameyn."" Taariikhdu markii ay ahayd 9-kii September 1998, dacwad oogaha ayaa warbixin u gudbiyay Kongareeska. Dadweynaha ayaa sidoo kale arkay warbixintaas oo 445 bog ka koobneyd taas oo ay ku jirtay xigashada Ms Lewinsky, taas oo wada shaqeynteeda heshiis xasaanad lagu siinayo kula gashay guddigii madaxa bannaanaa. Warbixinta waxaa sidoo kale ka mid ahaa 11 qodob oo suurto gal ah oo xilka looga qaadi karay. Bishii December 1998, Aqalka Wakiillada ayaa u codeeyay xil ka qaadista Mr Clinton iyadoo loo heysto labo dacwadood: dhaar been ah iyo inuu baal maray Kongareeska. Bishii February, Mr Clinton waxaa xilka ka qaaday Aqalka Sare oo ay maamulayeen Jamhuuriga. Sanad ay fadeexaddii Lewinsky-Clinton qabsatay dalka, madaxweynaha ayaa diiday baaqyadii isa soo tarayay ee ahaa inuu is casilo. Waxay ahayd dhammaadkii January 1998, markii Mr Clinton uu helay codadkii ugu sarreeyay ee qiimeynta. Ra'yi ururin ay sameysay Gallup ayaa lagu ogaaday in 67% dadka Ameerikaanka ah ay ansixiyeen madaxweynaha. Ugu dambeyntii, siyaasiyiinta keliya ee xilkooda ku weynayay marka ay xil ka qaadistu socoto waxay ahaayeen Jamhuuriyiinta. Qorshihii Jamhuuriyiinta ee ahaa inay sii wadaan ka gun gaaridda fadeexaddaas ayaan miro dhal noqon: Dimuqraaddiyiinta ayaa guulo ka gaaray Aqalka iyo Senate-ka labadaba. Mr Clinton ayaa talada ka degay January 2001 isagoo heysta ansixin 65% ah. Balse xisbigiisa ayaa waxaa Aqalka Cad kaga guuleystay George W Bush oo Al Gore uga guuleystay dib u tirinta codadka oo lagu sameeyay Florida. Waxay ku xiran tahay cidda aad weydiiso balse fadeexaddii Monica Lewinsky waa waxa ugu horreeya ee ay dad badan ku xusuustaan. Xil ka qaadistii laga gudbiyay ee ka dambeysay? aad looguma xusuusto. Marka la eego codadkii sare ee uu ku helay qiimeynta waxaa la sheegay inaysan sumcaddiisa aad u dhaawicin sida labadii madaxweyne ee ka horreeyay." https://www.bbc.com/somali/war-55658195 +politics Lix arrimood oo u gaar ah aaska Amiir Philip "Qabanqaabadii ugu dambeysay aaska maanta oo Sabti ah loo sameynaya Amiir Philip ayaa soo idlaatay. Waxaana munaasabadda aasaka barbar socda arrima ay ka mid yihiin cidda ka qayb galeyso, arrimaha isxixiga oo dhacaya ilaa uu aaska ka dhaca iyo arrimaha u gaar ah aaska Amiirka. Inkasta oo ay ogyihiin shaqaalaha ama ilaalada boqortooyada haddana waxaa jira arrimo la xiriira aaska Amiirka oo u baahan faahfaahinin laga bixiyo. Gaariga Land Rover-ka uu Amiirka naqshadeyntiisa iyo dib u habeyntiisaba doorka ku lahaa ayaa maanta oo Sabti ah munaasabadda aaska loo adeegsanayaa. Marka la qorsheynayey gaadiidka aaska Amiirka loo adeegsanaya waxaa soo kormartay in la isticmaalo gaariga Land Rover-ka ah. Amiirka naqshadeynta iyo diib u habeynta gaarigan noociisu yahay 'Land Rover Defender TD5 130', oo ay sameysay shirkadda Solihull wuxuu waday 16 sano. Wuxuu howshaasi billaabay xilli ay da'diisu ahayd 82 jir wuxuuna dhammeystiray 2019-kii oo ay Amiirka da'diisu gaadhay98 jir. Gaariga midabkiisa waa cagaar madow ah oo la mid ah nooca ay ciidamadu isticmaalaan. Gaarigaas ayaana naxashaka Amiirka qaadi doona oo geyn doono dhismaha St George's Chapel oo ah halka lagu aaso qoyska reer boqor ee UK. Wararkuna waxay sheegayaan in sanada badan la qorsheynayey sida loo aasayo amiirka haddii ay geeridiisa kedis noqoto, Amiirkuna wuxuu mar uu boqoradda uu ku yiri: ""Gaariga Land Rover-ka naxashkeyga ku qaada oo geeya Windsor."" Cudurka safmarka ee Covid-19 dartiina ma jiri doono socod lagu marayo inta u dhaxeysa Bartamaha London ilaa iyo Windsor oo ah goobta lagu aasayo Amiirka. Waxaa gaariga boqortooyada ee gaarka ah marki ugu horreysay la soo bandhigay xilli la xusayey boqradda sanad-guuradeeda dahabka oo ku beegnaa sanadkii 2002-dii. Albaabbada dambe ee gaariga waxaa loo naqshadeeyey qaab boqoradda u sahlaya boqoradda iney istaagto kaddibna ay si dhib la'aan ah ay gaariga uga soo degto, inta gaarigaasi sameyntiisa uu socdayna boqoradda iyo seygeeda haatan geeriyooday ee Amiir Philip waxay marar badan soo muuqdeen iyaga oo isticmaalaya garigaasi gaarka ah. Gaarigana waa nooca ay xabbaddu karin isla-markaana gaariga gudahiisa hawo fiican oo rakaabka iyo darawalka marxalad kasta gacan ka siinayo ayuu leeyahay. Midabka gaariga dusha sare laga mariyeyna waa madow kaas oo boqortooyada laga isticmaalo. Gaarigan 'Limousine-ka' ah wuxuu socon karaa xawaara dhan saacaddiba 130 km, taayarrada gaarigana waa nooc aan banjarin oo aad u adag. Amiir Philip waxaa lagu aasi doonaa kaniisadda St George's ee ku dhex taallo dhismaha Windsor halkaasoo lagu aaso qoyska reer boqor ee geeriyooda. Amiirkana wuxuu si gaar ah uu horay ugu calaamadeeystay halka lagu aasayo. Sida uu Amiirka amar uu ku bixiyey inta uu noolaa waxaa dhowr madfac oo lagu mamuusaya u ridi doona ciidamada badda uu horay uga tirsanaa. Ku dhawaad 44 ka mid ah boqortooyada UK ayaa lagu aasay qayb ka mid ah dhulka ay ku fadhido kaniisadda St George's Chapel, waxaana ka mid ah Henry VIII oo geeriyooday 1547-kii, Charles I oo isna qoorta laga jaray 1649-kii, iyo boqorradii qarniga 18aad ilaa iyo 20aad ee kala ahaa Boqorka Geroge III, Gerge IV iyo Geroge V. Boqoradda walaasheed ka yar Amiirad Margaret oo 2002-dii geeriyootay iyada oo ay da'deedu ahayd 71 jir waxaa sida oo kale lagu aasay isla goobtan. Balse marki dambe waxaa loo wareejiyey goobta uu ku aasan yahay Boqor Gerorge VI, dhowr toddobaad kaddibna marki ay hooyadeed dhimatay waxaana lagu garab aasay seygeedi dhintay boqor George VI. Amiir Philip marka lagu aaso goobta qoyska reer boqor lagu aaso 'Garter King of Arms' oo ah shaqsiga boqortooyada kala taliya aaska kaddib sida calammada laga yeelayo ayaa ku dhawaqay sida loo maamuusayo Amiir Philip. Taa micnaheeduna waxaa weeye wuxuu la taliyaha uu akhrinaya xilka Amiirka oo dhammeystiran oo dherer ahaan gaaraya ilaa iyo 133 erey, isaga oo aan ka tageyn xilalki uu qabtay inti uu noolaa. Waxaase joogta ah oo loo boqortooyada laga isticmaalaa ereyga ah 'Sharftaada Boqortooyo ee Sarreysa' ama 'Sharftiisa Boqortooyo ee Sarreysa'. Qofka xilkaasi hayana magaca iyo maamuus mooyee lacag badan kuma qaato oo waxaa sanadki oo dhan mushaar ahaan loo siiyaa £49 gini oo keli ah. Mushaarka horay u qaadan jiray oo uu go'aamiyey James I waxaa dhimay William IV sanadka marka uu ahaa 1830-kii. Dhismaha St George's ee Amiirka lagu aasayo waxaa lagu soo bandhigayaa billadaha Amiirka inta uu noolaa la guddoonsiiyey kuwoodi ugu mudnaa. Waxaana inta badan billadaha aaskiisa lagu soo bandhigayo horay u soo xulay Amiirka laftiisa.. Xiddiga quruxda badan ee Zanzibar, Amarka qoyska boqortooyada Burunay iyo Amiirka Singapore ee Darjah Utama Temasekwere ee lagu tolay xidiiddada kalluunka, ayaa ka mid ah abaalmarinnada ama billadaha kuwooda ugu mudan. Waxaana lagu soo warramayaa Amiirka in ka badan 50 dal inuu ka guddoomay abaalmarinno iyo billado. Taasoo la sheegay iney adag tahay dhammaantood in hal goob lagu soo bandhgigo. Qoyska boqortooyada oo ay ka mid yihiin afarta carruur uu ilmaha dhalay, Duke Cambridge iyo Duke Sussex ayaa naxashka daba soconaya, waxaa gadaashoodana soconayaa xubnaha kale ee qoyska. Waxaana dadkaasi kamid ah shaqaalihi u shaqeynayey ee Amiirka u dhawaaoo cunnada iyo cabbitaanka Amiirka u sameeynayey, kuwa dharkiisa ka shaqeynayey iyo kuwa ammaankiisa ka shaqeeynayay. Xubinka u qaabilsan ilaalada Amiirka iyo Ilaalada khaaska ah ee Amirka, Brigadier Bakewell oo in kabadan 10 sano Amiirka gacantiisa midig u soo ahaa ayaa sida oo kale munaasabadda aaska ka qayb galaya." https://www.bbc.com/somali/war-56786174 +politics Qaraxa Nashville: Booliska oo shaaciyay magaca qofka looga shakisanyahay qaraxa Booliska oo baaraya gaari xamuul ah oo saddex qof ku dhaawacay magaalada Nashville maalintii ciidda Masiixiga ayaa magacaabay qof laga shakisan yahay ka dib markii DNA lagu soo ururiyay goobta. Saraakiisha gobolka Tennessee ee Mareykanka ayaa sheegay in DNA-da ay is yeesheen Anthony Quinn Warner oo 63 jir ah. FBI-da ayaa sheegay in aysan jirin wax tilmaam ah oo ku saabsan tuhmanayaal dheeraad ah inkastoo ay tahay xilli hore in a ogaado haybta dambiileyaasha. Qaraxa ka dhacay banaanka xafiiska isgaarsiinta ayaa carqaladeeyay nidaamyadii isgaarsiinta ee Tennessee iyo afar gobol oo kale. Qaraxa ayaa dhaawacay seddex qof isla markaana carqaladeeyay nidaamyadii isgaarsiinta ee Tennessee iyo afar gobol oo kale. Intii lagu guda jiray shirkii jaraa'id ee Axadii, baarayaasha federaalka waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in Warner, oo ka shaqeynayay Technologiyadda, khibrad dheerna u lahaa qalabka elektarooniga, inuu ahaa shaqsiga kaliya ee mas'uulka ka ahaa qaraxa kaasi oo ku dhintay goobta. Waxay sheegeen in qaraxa loo malaynayo inuu ahaa mid ula kac ah, haraaga goobta laga helayna uu Warner. Sida laga soo xigtay diiwaanka dadweynaha, Warner ayaa ilaa goordhow deganaa Antioch, oo ah xaafad ka tirsan Nashville, halkaas oo ay booliisku Sabtidii baaritaan ku sameeyeen. Deriska ayaa sidoo kale soo sheegay inay arkeen gaari xamuul ah oo goobta yaal, warbixinta maxaliga ah. Mar sii horeysay, CBS News ayaa soo warisay in dheecaanka DNA laga qaaday Warner hooyadiis. Wakiilka Gaarka ah ee FBI ee dacwadas Douglas Korneski ayaa goor sii horeysay sheegay in saraakiisha ay heleen ilaa 500 oo talooyin oo laga yaabo inay la xidhiidhaan qaraxa. Maxaa ka dhacay Nashville? Saraakiisha ayaa ka jawaab celiyay warbixinnada rasaasta waxyar ka hor 06:00 waqtiga maxalliga ah (12:00 GMT) ee 25 Diseembar aagga qaraxu ka dhacay ayaa caan ku ah maqaayadaha iyo cawayska. Wax yar kadib, waxay heleen gaari xero xero ah oo faafinaya fariin digniin ah inay ka baxaan aagga. Gaariga ayaa qarxay daqiiqado yar ka dib, xooggii qaraxa ayaa sarkaal ka soo tuuray cagahooda, booliska ayaa sidaas yidhi. Booliiska ayaa sii daayay muuqaalkan gaariga yar - oo ay booliska Nashville ku sifeeyeen in uu yahay gaari madadaalo (RV) - oo soo gaaraya goobta goor hore oo jimce ah. Baabuurka ayaa ku qarxay bannaanka dhismaha ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee weyn ee AT&T, oo sidoo kale ku taal taawar xafiis oo u dhow. Dhismayaasha waxaa soo gaadhay burbur dhismeed, daaqadaha ayaa la qarxiyay, geedona waa la jaray. Fiidiyowyo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay biyo ka yimid dhuumaha waxyeelleeya ee darbiyada hoostooda maraya sida qaylo-dhaan ka soo yeeraya xagga dambe. Nidaamyada degdegga ah ee booliiska ayaa laga jaray guud ahaan Tennessee. Adeegyada taleefannada, internetka iyo fiber optic TV ayaa sidoo kale carqaladdaysmay magaalooyinka Tennessee, Mississippi, Kentucky, Alabama iyo Georgia, sida ay sheegtay shirkadda isgaadhsiinta ee AT&T. https://www.bbc.com/somali/war-55463841 +technology "LinkedIn: ""Waxaan si kaftan ah u jabsaday xogta 700 oo milyan oo qof""" "Xog intee dhan ayaad bogagga baraha bulshada ay ku xiriirto soo dhigtaa? Sida Magaca, Halka aad ku nooshahay, Da'daada, Shaqadaada, Guurka, Sawirka? Xogaha ay bulshadu inteeda badan baraha bulshada ku wadaagto noocooda iyo tiradooduba wey ku kala duwan yihiin. Balse dadka badankood waxay aaminsan yihiin in waxkasta oo xog ah aad boggaada soo dhigto in ay yihiin kuwa u furan qof kasta, ayna cid walba heli karto. Haddaba maxaad dareemeysaa haddii xogtaadi dhameyd ay gacanta u galaan dadka xogaha jabsada ka dibna ay ku soo bandhigaan suuqyada xogaha la jabsaday lagu kala iibsado oo malaayiin lacag ahna ay ka sameynayaan, kana iibiyaan budhcadda internet-ka? Haddaba xogahaasi la jabsaday waxaa ka mid ah tan uu 'Tom Liner' uu bishi hore sameeyey oo uu sheegay 'inuu iska baashaal ah u sameeyay', uuna ku jabsaday xogta 700 oo malyan oo isticmaasho barta LinkedIn, kuwaas oo caalamka ku kala nool, xogtana lagu kala iibsado ku dhawaad $5,000 oo doolar middiiba. Dhacdadan iyo kuwa kale ee la mid ah ee la xiriira jabsashada xogaha baraha bulshada waxaa kadhalatay cabsi laga qabo xogaha aan baraha bulshada kula wadaagno in aysan ahayn kuwa ilaashan ama ammaan ah. Saacadda maxalliga ee UK markay ahayd 8:57, ayey farriin ku wadaageen gole ay leeyihiin kooxaha caalamiga ee xogaha jabsada. Saacaddaasina waa mid kooxaha wax jabsada muhiim u ah oo ay wax badan wadaagaan inkasta oo aan wax xog ah laga haynin xilliga ay kooxaha burcadda u tahay wakhtigaas, cidda la baxday ama isugu yeerta magaca 'Tom Liner', iyo halka uu joogaba. ""Hayeh, waxaan hayaa 700 oo malyan oo xog oo aan 2021 ka jabsaday keydka LinkedIn,"" ayuu soo qoray. Waxaana xogtaas lagu soo lifaaqay 'Link' ka mid ah xogahaasi malaayiinta ee la jabsaday si ay caddeyn ugu noqoto kooxaha xogahaasi daneynaya ama doonaya inay iibsadaan, si ay xiriir gooni ah ula soo sameeyaan cidda sheegtay inay xogtaasi gacanta ku hayso. Sida la fahmi karo iibku xogahaasi wuxuu farxad weyn ku abuuraa kooxaha caalamiga ee xogaha jabsada. Tom wuxuu ii sheegayaa inuu xogta uu hayo ""macaamiisha faraxsan' uu ka iibinayo ku dhawaad $ 5,000 oo doolar middiiba. Balse cidda sheegtay iney xogtaasi hayso, macamiisha uu ka iibinayo iyo waxa ay ka yeelayaan xogtan ay iibsanayaan ma sheegin, waxaase loo badinayaa dadka xogta iibsanaya in ay xogahaas u adeegsanayaan xog jabsasho kale oo dheeraad ah iyo kala shaadheynta dadka. Waxay sidoo kale amniga Internet-ka iyo xorriyadda xogtaba ay keentay in laga walwalo xog jabsashada dunida ku soo badaneyso ee aan weli xal buuxa loo helin. Sida caadiga ah xogahan la jabsaday intooda badan waxaa si fudud looga helay bogaggaa shaqsiyaadka ay ku leeyihiin baraha bulshada. Inkasta oo wakhti badan ay kooxaha xogaha jabsada ku qaadan lahayd, haddana si la yaab leh waxaa sannadkan oo keli ah dhacay seddex dhacdo oo waaweyn 'oo xogaha lagu jabsaday': Xogta Facebook waxaa jabsaday kooxda la magac baxday: 'Tom Liner'. Muddo seddex toddobaad ayaan Tom farriimo isku dhaafsaneynay Telegram. Farriimaha qaarkood ama taleefannada aan la qaban, waxay mararka qaar soo dhacaan saacadaha saqda dhexe halka qaarna ay saacadaha shaqada soo dhacaan. Waxa keli ah ee noolashiisa caadiga ah laga ogaanayo waxay tahay in mararka qaar uu kuu sheegayo inuu taleefan ku hadli karin maadaamaa ay xaaskiisa jiifto, isaguna maalin ayey u tahay oo wuxuu caadeystay ama 'hiwaayad' u noqotay xogaha inuu jabsado. Tom wuxuu ii shegay in xogta uu ka jabsaday keydka LinkedIn uu u adeegsaday farsmo la mid ah tii uu u adeegsaday xogti uu ka jabsaday Facebook. ""Dhowr bilood ayey igu qaadatay inaa xogtaas u dhaco. Waxay ahayd mid aad u adag. Marka hore waxaan u dhacay xogta API ee LinkedIn. ""Haddiise aad hal mar dirto codsiyo badan oo aad ku codsaneyso xogta dadka , waxaa kaa hor istaagaya nidaamka ay barnaamijyadaasi ku shaqeeyaan,"" ayuu yiri. API waxay u taagan tahay 'Application Programming Interface', inta badanna baraha bulshada badankooda waxay iibiyaan API, si shirkadaha kale ay iskaashi dhanka xogaha ah ay u yeehsaan, gaar ahaanna dhinacyada suuq-geynta iyo soo saarista App cusub. Kooxda Privacy Shark oo marki ugu horreysay soo bandhigtay inay hayso xog fara badan oo ay iibineyso, marki qiimeyn lagu sameeyey waxay ka koobnaayeen magacda dadka oo dhammeystiran, cinwaannada emailka, jinsiyadda, lambarka taleefanka iyo shaqooyinkooda. LinkedIn waxay sheegtay caddeymaheeda inay muujinayaan in Tom Liner uu jabsashada xogtooda uusan u adeegsanin API, balse loo adeegsaday xogaha laga helay LinkedIn iyo ilaha kale ee xogta laga helo. Sida oo kale Facebook xog la sheegay in laga jabsaday bisha April waxay sheegtay in aysan ahayn mid cusub oo ay tahay jabsasho hore oo dib loo shaaciyey. Si kastaba ha ahaatee, dhaqaalaha ay kooxaha xogaha jabsada ka sameeyaan xogta ay jabsadaan waxay walaac xooggan ku abuurtay khubarada dhinaca internet-ka. Maamulaha guud ahna aasaasaha laanta sirdoonka ee SOS, Ami Hadzipasic wuxuu dabagal ku sameeyay xogaha ay har iyo habeen baahiyaan kooxaha budhacadda ee xogaha u dhaca, isla markii ay faafiyeen wararka ku saabsan 700 oo malyan ee keydka macluumaadka 'LinkedIn'. Isaga iyo kooxda SOS la shaqeysaba waxay billaabeen inay xogtaasi falanqeeyaan. ""Xogaha faahfaahsan ee la jabsaday waxaa ka mid ah halka ay ku sugan yihiin dadka xogtaas leh, taleefoonnadooda gaarka ah iyo cinwannadooda emailka."" ""Dadka badankood waxaa layaab ku noqon doonta in ay jiraan macluumaad badan oo ay hayaan adeegyadan kobcinta API,"" ayuu yiri. Tom Liner wuxuu sheegay inuu ogyahay in keydkiisa macluumaadka ay u badan tahay in loo adeegsado weerarro xun. Wuxuu yidhi ""way dhibaysaa balse ma sheegi karo sababta uu wali u sii wado hawlgallada xog jabsashada."" Wuxuu sheegay inkooxaha iibsanaya xogta LinkedIn u isticmaali karaan inay ku billaabaan ololeyaal bartilmaameed u dajisan, weliba bartilmaameedyo heer sare ah tusaale ahaan sida madaxda shirkadaha. Waxa kale oo uu sheegay in ay qiimo leedahay tiro aad u badan oo email-lada kuwooda shaqeynaya oo ku jira keydka macluumaadka oo loo isticmaali karo in lagu diro ololeyaal fara badan oo been abuur ah. Balse Trony Hunt, oo ah khabiir dhinaca ammaanka Internet-ka oo inta badan ka shaqeeya darsidda macluumaadka ay xambaarsan yihiin xogta laga jabsaday shabakaddiisa haveibeenpwned.com, wuxuu sheegay in uusan ka walwaleynin xog jabsashada maadaamaa loo baahan yahay in la aqbalo macluumaadka ay bulshada baraha bulshada ku xiriirto wadaagaan. ""Inta badan xogaha waa kuwa bulshadu wadaagtay oo aan qarsoonayen marka jabsasho lagu tilmaami karo, waxaase habboon bulshada iney xogtooda khaaska ah aysan baraha bulshada la wadaagin"". Troy iyo Amir waxay isku raacsan yihiin in, si loo ilaaliyo baraanaamijyada API, loo baahan yahay in barnaamijyadaas dib u habeyn lagu sameeyo balse dhacdooyinkan aa la caddeyn karin. ""Ma diidani mowqifka Facebook iyo kuwa kale, laakiin waxaan dareemayaa 'iney dhibtu taa ahayn' oo ay tahay in ay macquul tahay in farsamo ahaan ay sax tahay, oo la la'yahay dareenka ah sida qiimaha badan ee xogahan ay u leeyihiin, waxaana laga yaabaa in ay hoos u dhigayaan keydka macluumaadkooda."" Falalka Tom Liner waxay u badan tahay in lagu soo dacweeyo jabsashada xogaha shabakadaha baraha bulshada iyo hantida caqliga ama ku xadgudubka xuquuqda lahaanshaha.Laakiin, markii la weydiiyay inuu ka walwalsan yahay in la xiro, wuxuu yiri ""qofna ma awoodi doono inuu helo kooxaha waxa jabsada waxa ay yihiin iyo halka ay ku sugan yihiin. Wuxuuna wada sheekeysigeena ku soo gabagabeeyay ""waqtigu ha kuu wacnaado""." https://www.bbc.com/somali/war-57836625 +politics corona fayras: Mas’uulkii ku taliyay amarka xayiraadda oo saaxiibtiis darteed sharciga u jabiyay "Prof Neil Ferguson ayaa iska casilay xilkii la taliyaha dowladda ee arrimaha coronavirus kaddib markii uu qirtay ""inuu sameeyay khalad"". Seynisyahankan, oo taladii uu siiyay Ra'iisul Wasaara UK ay horseedday in lasoo rogo amarka xayiraadda dhaqdhaqaaqyada, ayaa sheegay inuu ka qoomameynayo ""inuu dhayalsaday"" talooyinka la xiriira kala fogaanshaha dadweynaha. Wargeyska The Telegraph ayaa tabiyay in haweeney la sheegay inay saaxiibtiis ahayd ay gurigiisa ku booqatay, xilli uu jiro amarka xayiraadda oo dadweynaha ka mamnuucaya inay guryahooda kasoo baxaan. Wasiirka Caafimaadka ee UK, Matt Hancock, ayaa sheegay in tallaabada iscasilaadda ay ahayd mid ""qeyrul-caadi ah"" oo go'aankii habboonaa ah. Wuxuu warbaahinta Sky News u sheegay inaysan 2suurtagal sii noqon karin"" in Prof Ferguson uu lataliye usii ahaado dowladda. Mr Hancock ayaa intaas ku daray in sharciyada kala fogaanshaha bulshada ""ay khuseeyaan qof kasta"" ayna ""dhab yihiin"". Booliska ayaa sheegay in ficilka seynisyahanka uu sharciga ku jabiyay uu ahaa mid niyad jab ah laakiin waxay meesha ka saareen inay tallaabo dheeraad ah ka qaadi doonaan. Qiimeyn uu horay ugu sameeyay Prof Ferguson xaaladda cudurka corona ayuu ku sheegay in ay u dhiman karaan 250,000 haddii tallaabo wax ku ool ah loo qaadi waayo xakameyntiisa. Arrintaas ayaa sababtay in Ra'iisul Wasaare Boris Johnson uu 23-kii bishii March ku dhawaaqo go'aanno lagu joojinayay dhaqdhaqaaqyada, kuwaasoo saameyn weyn ku yeeshay nolosha dad badan. Ujeeddada ayey dowladda ku tilmaantay mid lagu yareynayo faafitaanka cudurka. Dadka ayaa lagu wargaliyay inay aad u yareeyaan dhaqdhaqaaqooda bannaanka. Lammaaneyaasha meelaha kala duwan ku nool ayaa lagu adkeeyay inay guryahooda ku kala sugnaadaan oo aysan sidii hore u kulmin. Bayaan uu soo saaray Prof Ferguson ayuu ku yiri: ""Waan qirsanahay inaan khalad sameeyay aana qaaday tallaabo aan sharciga waafqsaneyn"". ""Sidaas darteed waxaan iska wareejiyay xilkii aan dowladda u hayay. Seynisyahankan ayaa sheegay in laga helay cudurka, uuna muddo labo isbuuc ah isku kali yeelayay gurigiisa. Wuxuu ku dooday in mar haddiiba uu cudurka horay ugu dhacay uusan waxyeello ku ahayn qof kale. Wasiirka Amniga, James Brokenshire, ayaa BBC-da u sheegay in ""koox khubaro ah"" ay sii wadi doonaan inay xukuumadda kala taliyaan arrimaha loo baahan yahay, maadaama uu hadda iscasilay Prof Ferguson. Inkastoo Barfasoorka uu sheegay in uusan cidna cudur u gudbin karin, wali ma cadda in qof uu cudurka mar ku dhacay uusan mar kale ku dhaceynin. Tirada dadka UK ugu dhintay cudurka Covid-19 waxay Talaadadii ahayd 29,427 ruux, waana tirada ugu badan ee fayraska ugu dhimatay Yurub. Ra'iisul Wasaaraha UK, oo su'aal laga weydiiyay sababta ay aad ugu badan tahay dhimashada, ayaa jawaabtiisa ku koobay in geerida qof walba ay musiibo tahay. Hase ahaatee wuxuu sheegay inaan wali la helin xog rasmi ah oo la isku barbar dhigo dhimashada dalalka caalamka. Is casilaadda Prof Ferguson ayaa timid hal bil kaddib markii Dr Catherine Calderwood, oo ahayd Madaxa Caafimaadka ee Scotland ay shaqada ka tagtay kaddib markii la shaaciyay inay jabisay sharciga xayiraadda, ayna labo jeer u safartay gurigeeda labaad. Xildhibaanka xisbiga Qaran ee Scottish-ka, Philippa Whitford ayaa BBC-da u sheegay in labada kiisba ay tusaale u yihiin shacabka, loona baahan yahay in ay ku waano qaataan. Hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha Sir Keir Starmer ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in iscasilaadda Prof Ferguson ay ahayd tallaabo saxan. ""Dhmmaanteen waxaan door ku leenahay la dagaallanka fayraska, taas micnaheeduna waa in mas'uuliyad la isa saaro amarka dowladdana la raaco,"" ayuu yiri afhayeen u hadlay Sir Keir." https://www.bbc.com/somali/war-52561305 +politics Maamuuska Amiir Philip: Qoyska Boqortooyada oo ka warramay nolosha amiirka "Carruurta Amiirka Edinburgh ayaa ka sheekeeyay nolosha aabbahood, iyo ""waxyaabihii cajiibka"" ahaa iyo waxa lagu xusuusto. Amiirka Wales ayaa BBC u sheegay ""tamarta uu u hayay caawinta hooyadey aad ayay cajiib u ahayd, iyo inuu sidaas sameynayay muddo dheer"". ""Mar walba garabkeeda ayuu taagnaa wuxuuna ahaa tiir nolosha Boqoradda ka mid ah,"" ayuu yiri Amiirka Wessex. Amiiradda ayaa ayadana ammaantay howlihii uu ka hayay Boqortooyada. Amiirka York ayaa isagana ku tilmaamay Amiir Philip aabbe waqti la qaadan jiray qoyskiisa. ""Sida qoysaska kale waqtigan, waalididintaadu shaqo ayay aadeen maalintii balse fiidkii - si la mid ah qoysaska kale - waan isku imaan jirnay, fadhiga ayaan fadhiisan jirnay koox ahaan sheekooyin ayuuna noo akhrin jiray,"" ayuu yiri Amiir Andrew. Qoyska Boqortooyada ayaa ka hadlayay wareysi lala yeeshay oo lagu xusayay geerida Amiirka Edinburgh, kaas oo qeyb ka ah barnaamijka gaarka ah ee BBC-da ee lagu wareysanayo ""dadka sida fiican u yaqaannay"". Amiir Charles ayaa barnaamijka u sheegay: ""Waxaan u maleynayaa inuu jeclaan lahaa in lagu xusuusto sida shakhsi leh xorriyaddiisa gaarka u ah."" Mar uu ka sheekeynayay sidii adkeyd ee aabbihiis uu ku soo barbaaray kaddib markii ay qoyskiisu dibadjoog noqdeen, wuxuu yiri: ""Ma noqon karto mid fudud noloshuna waxay ahayd hubanti la'aan qof walbana dad kale ayuu caawinaad ka sugayay - waxaana qiyaasayaa inuu ku qasbanaa inuu cagihiisa isu taago."" Barbaarintan hubanti la'aanta ku dhisneyd ayaa gayeysiisay ""awoodda aan caadiga ahayn"" ee ah inuu noqdo qof dhanka wanaagsan wax ka eega horena u socda, ayay tiri Amiirad Anne. Ka soo wareegidda Ciidamada Badda Boqortooyada una wareego boqortooyada waxay ahayd ""loollan adag"", ayay tiri Amiirad Anne. ""Ciidamada Badda Boqortooyada wuxuu u qaabilsanaa maraakiibta, wuxuu sameynayay dhammaan go'aannada. Noloshiisii xigtay, go'aanno yar ayuu gaarayay."" Balse Amiir Andrew, oo ciidamada badda la shaqeynayay xilligii Dagaalkii Falklands, ayaa sheegay inuusan weligiis aabbihiis kala sheekeysan haddii uu la sii shaqeyn lahaa ciidamada badda iyo in kale. ""Wuxuu doorkiisa u arkayay taageeridda Boqoradda,"" ayuu amiirku yiri. Amiirad Anne ayaa ka hadashay sidii uu ugu qanacsanaa caawinta Boqoradda ""mar walba wuxuu u muuqday mid jooga"" muhiim ayayna ahayd sababtoo ah waxay Boqorad noqotay ayadoo aad u yar. ""Waxay u baahnaayeen inay labo jibbaaraan shaqooyinkooda xilligaas si ay ugu suurto gasho inay xilkaas qabato,"" ayay tiri. Hooyadiis, Amiirad Alice-ta Battenberg, waxaa lagu aasay Jerusalem, iyadoo sidoo kale lagu maamuusay qabuuraha Yad Vashem Holocaust Memorial, sababo la xiriira inay dad Yuhuud ah ku heysay gurigeeda oo ku yaallay Athens intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka. ""Aabbahay wuxuu hooyadiis ku yiri, balse u kaadi, sideen weligeen u booqan doonnaa qabrigaaga?"" Amiirka Wales ayaa hadalkaas dib u xusuustay. ""waxay ku jawaabtay, ha doqomoobin, waxaa jira bas ka soo baxaya Athens."" Amiir Charles ayaa sheegay in Amiirka Edinburgh uu aad uga taxadari jiray erayadiisa." https://www.bbc.com/somali/war-56703248 +technology Goormee Tiktok laga saari rabaa telefoonkaaga? Abdirahman Taysiir - Weriye sare, BBC Somali Toddobo maalin ayaa ka dhiman waqtiga loo qabtay in ay ku soo jawaabaan shirkadaha Google iyo Apple oo lagula taliyay inay teleefoonnadooda (suuqyadooda dhijitaalka ah) ka tiraan App-ka Tiktok. Waxaa lagu eedeeyay Tiktok in uu ku xadgudbay xogta gaarka ah isticmaaleyaashiisa. Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Federaalka ee Mareykanka Brendan Carr ayaa warqad uu u qoray ku waydiiyay shirkadaha telefoonnada in 8-da bishan Luulyo ay soo kala caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan Tiktok. “Google iyo Apple waxay muddo dheer sheeganayeen inay u howlgalaan hab ilaalinaya xogta gaarka ah ee macaamiishooda. Sidaas daraaddeed waxaan idinka codsanayaa in aad Tiktok ku dabaqdaan siyaasaddiinna oo aad ka masaxdaan suuqyadiinna dhijitaalka ah ee App Store iyo Google Play Store, maaddaama ay u hogaansami waayeen siyaasadahaas. “Haddii xilligaas ka hor aad tiri waysaan, fadlan jawaabo gaar gaar ah i soo siiya ilaa siddeedda Luulyo oo aad ku sharraxeysaan go’aankiinna,” ayuu yiri Brendan. Shaqaalaha shirkadda oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa la sheegay inay si xiriir ah u isticmaaleen xogta dad Ameerikaan ah ee ku jirta Tiktok. Brendan Carr oo warqadda uu qoray soo dhigay bartiisa Twitter wuxuu yiri: “Tiktok ma aha sida ay u muuqato oo ah meel lagu wadaago muuqaallo madaddaallo ama shactiro ah. Waa qalab wax lagu basaaso (ilaaleeyo). Wuxuu soo saaraa tiro badan oo xog xasaasi ah oo mid shakhsiyadeed ah. Tiktok wuxuu ururiyaa wax kasta, laga billaabo bogagga wax laga raadsado ee internetka iyo kuwa website-da laga booqdo.” Mas’uulku wuxuu ku eedeeyay, isagoo adeegsanaya cilmi-baareyaal in Tiktok uu adeegsado teknoolajiyad xusuusan karta wejiga iyo codka qofka iyo inuu xog ka ururiyo meesha uu qofku ku sugan yahay, farriimaha (oo ay ku jiraan qaar aan weli la dirin - draft) iyo sawirrada mobile-da ku jira. Muddo sanado ah ayay taagan tahay eedda loo jeedinayo Tiktok ee la xiriirta ku xadgudubka xogta gaarka ah. Hase yeeshee, haddii ay shirkadaha waaweyn ee warqadda loo diray ay fuliyaan codsiga, arrintan uma muuqato mid saameynteeda ay ku koobnaan doonto oo keliya dadka jooga Mareykanka. Isbeddelka suuqyada dhijitaalka ah ee Apple iyo Google wuxuu saameyn karaa qof kasta oo telefoonnadooda haysta, meel kasta oo uu adduunka ka joogo. Waxaa suurtagal ah in aad berri soo toosto telefoonkaaga oo aanu ku jirin Tiktok. Saameynta ugu horreysa waa in dadka qabatimay ay weyn doonaan isticmaalkiisa. Sidoo kale, dadka caanka ku noqday ee shacbiyadda ku kasbaday waxay lumin doonaan taageero iyo saameyn. Arrinta intaas oo dhan ka muhiimsan waa in lacagta laga helo ay meesha ka bixi doonto. Dhaqaale ahaan lama mid ah sida bogagga kale ee ay bulshadu ku xiriirto sida YouTube. Laakiin,  muuqaallada tooska ah ee haddiyadaha la isugu diro iyo xayeysiimaha ayaa lacagta ugu badan laga helaa. Shirkadaha internet-ku waxay ururiyaan macluumaadka dadka sababo badan dartood. Waa xaqiiq bannaanka taalla oo aan lagu muransaneyn. Hase yeeshee, waxaa walaac leh maxaa xogtaas lagu sameeyaa? Yaa haya oo arki kara? Maxayse kuu dhimi kartaa qof ahaan haddii si qaldan loo adeegsado? Mid ka mid ah sababaha ay shirkaduhu u ururiyaan xogtaas waa in ay la socdaan hab-dhaqanka iyo dabeecadaha macaamiishooda, waxay ku doodaan in ay taas u sameeyaan si ay dadka u soo bandhigaan xayeysiimo sax ah. Waxaa laga yaabaa halista ka dhalan karta tallaabooyinkaas in aysan dad badan hadda ku baraarugsaneyn, balse ma howl yara marka aadan u madax-bannaaneyn maamulista xogtaada taalla internetka. Keliya Tiktok ma aha, waxaa jira walaac guud oo laga qabo shirkadaha la midka ah. Arrinta ay tahay in aad si dhab ah u qaadato waa in sawir, qoraal, muuqaal ama wax kasta marka aad daabacdo uu maamulkooda gacantaada ka baxay. Xitaa haddii aad tirto cid kale ayuu u keydsan yahay dib baana loo wadaagi karaa – kama hadlayo dadka kula midka ah, balse shirkadaha ayaa keydsada wax kasta oo lagu soo dhigo barahooda. Waayadan way fududdahay in caan la noqdo isticmaalka internetka dartiis. Da’ yari, baraarug-la’aan, aqoon-yari, ama talooyin qaldan oo la raacay tan ay tahayba, waxaa Soomaalida dhexdooda ku badan dadka caannimada ku raadiya si aan dhaqanka ku habooneyn. Ku talaxtagidda caannimo-raadinta si guud ayay u saameyn ugu yeelatay bulshada. Sow kulama aha in la joogo markii uu qof kasta ku xisaabtami lahaa mas’uuliyadda ka saaran bulshadiisa, gaar ahaan carruurta? Ma fiican tahay in carruurteenna ay halyeeyo ay ku daydaan u arkaan dadka caanka ka ah baraha bulshada oo qaar dhaliilo badan la huwiyo wadaagyadooda iyo dhaqamadooda? Qorshaha ku darso caannimada aad ku talaxtagtay inay dhammaad leedahay oo maalin un la xiri karo bogga aad noloshaada ku bi’isay. Tiktok oo caan ku ah muuqaallada gaagaaban waxaa leh shirkad Shiineys ah oo lagu magacaabo ByteDance. Dadka adeegsada tiradooda waxaa sanadkii hore lagu sheegay hal bilyan, waxaana la qiyaasayaa in ay dhamaadka sanadkan tiradaas ku dhowaato labo bilyan. https://www.bbc.com/somali/articles/cv29pxerwn4o +technology Haddii aad qabatintay teleefoonkaaga, kaligaa ma tihid, sababtuna waa tan? "Mararka qaar waxaad arkeysaa adiga oo si weyn ugu mashquulsan teleefoonkaaga gacanta, waxaana eegeysaa teleefoonka adiga oo raadinaya farriinta ku dhaaftay oo lagu soo diray ama in aad la socota adeegyada kale ee teleefoonka ku jiro sida baraha bulshada. Maskaxdaada waxay ku xiran tahay teleefoonka adiga hadba eegaya, haddii xaalad noocan ah aad isku aragto waxaa kula soo deristay xaalad la yiraahdo 'nomophobia', waxaa xaaladdan kula qabaa malaayiin qof oo ku nool dunida. Ereyga nomophobia waxaa laga wadaa xaaladda horseeda in qofka mar kasta uu wehel ka dhigto teleefoonka, la'aantiisana uusan joogi karin. Khuburrada qaar waxay xaaladda ku tilmaamaan 'qabatin' isla markaana qofka uu mar kasta isha ku hayo teleefoonkiisa gacanta iyadoo markaas aysan jirin wax baahi ah oo uu u qabo. Balse qabatinka noocan ah ma ahan mid iska yimid balse waa mid lasii qorsheeyay oo la go'aamiyay, sida uuu qabo Profasoor Larry Rosen oo ah cilmi baare ku takhasusay cilmu nafsiga. Wuxuu intaa ku daray in shirkadaha teknooloojiyadda ee soo saara teleefoonada casriga ah ""ay shaqaaleysiiyaan khuburro adeegyada teleefoonada u sameeya iyo weliba seynisyahano qaabilsan cilmu nafsiga kuwaas oo shaqadoodu tahay sidii lagu gaari lahaa dadka isla markaana saameyn loogu yeelan lahaa si ay ugu mashquulaan teleefoonada casriga ah iyo adeegyada ku jiraba."" Hadalka Dr Rosen waa mid macquul ah marka la fiiriyo sida ilbiriqsi kasta dadka ay ugu mashquulsan yihiin teleefoonada iyagoo aanan dareemin in wakhti uu ka lumay. Sida laga soo xigtay Dr Rosen, shirkadaha soo saara teleefoonada waxay adeegsadaan xeelado dhowr ah si ay u hantiyaan quluubta dadka oo ay uga iibiyaan wax soo saarkooda. Dr Rose oo ah cilmi baare ku takhasusay cilmu nafsiga wuxuu leeyahay shirkadaha soo saara teknooloojiyadda waxay adeegsadaan xeelado dhowr ah si dadka ay ula qabatimaan teleefoonka iyagoo aysan wax war ka heynin gaar ahaan in qofka uu dan ka dhigto isticmaalka teleefoonka isaga wax howl ah qabsanin. Tusaale ahaan, baraha bulshada sida Facebook iyo TikTok, qof si weyn ayuu ugu mashquulayaa isaga daalacanayo muuqaallada iyo qoraallada lasoo dhigo halkaas kuwaas aanan dhammaaneynin, laga yabaa in qofka xitaa ay ku adkaato in uu akhriyo buuggaagta iyo in ku faa'ideysto cilmi. Wuxuu sheegay in markii ay soo saarayeen teleefoonada ay shirkadaha ay adeegsadeen khuburro ku xeeldheer cilmu nafsiga kuwaas oo ka caawiyay in dadka ay ku mashquuli karaan teleefoonkooda haddaba iyaga oo raadinaya farriimaha loo soo diro gaar ahaan kuwa baraha bulshada laguugu soo diro ama aragtida ay dadka ka qabaan qoraalka ama muuqaallada aad dhigto halkaas. Tani waxaa laga yaabaa inay tahay qaababka iyo xeeladaha kala duwan ay ku tartamayaan shirkadaha soo saara teleefoonada casriga ah si ay u hantaan wakhtigaaga iyo maskaxdaada balse wacyigelinta ku saabsan arrintaas wax isbaddal ah dadka uma horseedi doonto maadama teleefoonada casriga ah ay la wareegeen wakhtigeena, waa wax ka baxsan in uu madadaalo yahay ama in loo baahan yahay"" ayuu yiri Dr Rosen. Soomaaliya: Teleefoonada casriga oo dadka qutulyoonkoodi ka hor istaagay Ninkii naqshadeeyay mid kamid ah teleefoonada ugu qaalisan caalamka oo shaqada ka tagaya Google oo bilawday video app oo lagu hadlo - Duo Xiriirka nagala dhexeeyo teleefoonada casriga ah ayaa sii xoogeysanaya, maanta waxay qeyb ka noqdeen nolosheena. Waxay qabtaan shaqooyin dhowr ah sida in lagula socdo xaaladda wadne garaaca ama qofka qaba dhiig karka, waxay teleefoonada ku yihiin wehel marka aad kaligaa safreysid, waxaana adag in xiriirka nagala dhexeeyo teleefoonada lagu tilmaamo 'baahi loo qabo' in lala 'qabatimay' Dada badan waxay teleefoonada ku sitaan jeebabka, wuxuu qeyb ka noqday dunida carsiga ah, wuxuu fududeeyay la socodka xaaladda adduunka. Neil Watson oo ah cilmi baare qaabilsan teknooloojiyadda wuxuu ku doodaya 'in shirkadaha soo saara teleefoonada ay noqdeen matoorki wax u sahlayay dadka sameeya adeegyada casriga ah ee teleefoonada laga helo"" dhinaca kalena loo baahan yahay in la aqoonsado in shirkadaha soo saaro teleefoonada caaqiilka ay xal u raadinayaan arrinatni. Cadaadiska ay wajahayaan shirkadaha soo saaraka teleefoonada iyo kuwa soo saara adeegyada waa in lagu kashbaa inay qaataan mas'uuliyadda ah maxay dadka ula qabatimeen isticmaalka teleefoonada"" ayuu yiri Nal. Sida laga soo xigtay Neil, tallaabooyinka ay mustaqbalka qaadi doonaan shirkadaha ayaa noqon doonaa kuwo xaddidan inkasta ay wadaan tallaabooyin ay wax uga qabanayaan saameynta ay ku yeesheen bulshada iyo nolosha inkasta oo arrintani ay kasoo horjeedo damacooda ah in faa'ido ay ka sameeyaan arrintani." https://www.bbc.com/somali/59111208 +technology Farriin Email oo khalkhal gelisay diyaarad hawada ku jirtay "Diyaarad rakaab oo shirkadda Air India ay leedahay ayaa si ""taxadar leh loogu dejiyay"" garoonka Stansted ee Britain ka dib markii ay soo bexeen warar sheegaya inuu bam ku xiran yahay. Duullimaadka AI191 wuxuu kasoo kacay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya, wuxuuna ku sii jeeday Newark ee dalka Mareykanka. Wasiirka difaaca UK ayaa sheegay in diyaaradaha dheereeya ee dagaalka ee loo yaqaano RAF Typhoon in ay hawada ku soo wehliyeen diyaaradda ayna ilaaliyaneen illaa ay ka degeysay. Shirkadda Air India waxay xaqiijisay in hanjabaad bam lagu diray Email-ka garoonka Mumbai. Diyaaradda waxay markii hore Twitter-ka ku qortay in arrintan ay ""argagaxa abuurtay"", balse farriintaas ayaa la tiray, ka dibna waxay Reuters u sheegeen in hanjabaaddu ahayd ""been abuur"". War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Stansted ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay siday 327 qof oo rakaab ah, lana geeyay qeyb cidlo ah oo ka tirsan garoonka. Markii ay caddaatay in Email-ka uu been ahaa, diyaaradda ayaa duullimaadkeedii Newark sii wadatay. Xilli sii horreeyay, @DinoGoel wuxuu Twitterka ku daabacay, rakaabka oo dhan ""diyaaradda waalaga dejiyay, waala safay, boorsooyiinkoodana waxaa lagu baaray gacmaha iyo eeyo wax uriya"". Wuxuu sheegay in ka dib bas lagu qaaday lana geeyay qeybta ay rakaabka diyaaradda ku sugaan, lana siiyay biyo iyo cunto fudud. Ka dib wuxuu @DinoGoel Twitter-ka geliyay in isaga iyo rakaabkii kale la qeeyay qeybta guud ee Stansted. Wuxuu yiri: ""Koox cusub ayaa London ka timi. Illaa amar dambe, dhammaan rakaabka waa in dib loomariyo baaritaan amni, qeybta socdaalkana ay soo maraan"". Ka hor inteysan diyaaradda gaarin garoonka, waxaa la diyaariyay Boolis iyo gawaarida dabdemiska, iyadoo laga cabsi qabay in bam uu diyaaradda ku xiran yahay. Diyaaradaha RAF ee soo kexeeyay diyaaraddan rakaabka siday, waa kuwa dagaalka oo Britain ay u diyaarisay in ay ka jawaabaan dhacdooyiinka halista ah ee hawada." https://www.bbc.com/somali/war-48797007 +politics Qoyska dalka Imaaraadka ka dhigay quwadda saxaraha Muddo haatan laga joogo Kaliya 50 ayaa loo aqoonsaday inay yihiin koox amiirro qabiil ah oo ku nool saxaraha Jasiiradda Carabta, laakiin hadda ku dhawaad nus qarni ka dib, waxay Isu tagga Imaaraadka ka dhigeen dal leh suuq furan astaanna u ah dhismayaasha dunida ugu dhaadheer. Caasimadda Dubai ee isu tagga carabta oo 50 sano ka hor teendhooyin, cooshado iyo dhimayaal gaagaaban ka koobneed hadda waxay leedahay dhismayaal caalamka oo dhan looga soo daawasho tago. Dhulka isu tagga Imaaraadka uu ku fadhiyo oo u badan dhul lama dagaan ah oo geela lagu raaci jiray timirtana laga goosan jiray maanta waxaa xaruumo ku leh jaamacadaha, warshadaha wax soo saarka dunida ugu waaweyn. Waxaana caasimadda Dubai ku yaalla Huteello casri ah oo tayadoodu sarreyso heerkooduna yahay 7 xiddig (7 star), iyo goobaha laga dukaameysto oo caalmaka ugu waaweyn. Waxaana intaa dheer Imaaraadka wuxuu ka mid yahay waddamo fara ku turis ah oo dayax gacmeed hawada sare u diray. Sacuudi Carabiya oo ku yaalla khaliijka xulafana la ah reer galbeedka ayaa ah boqortooyo awood badan oo ka mid ah quwadaha adduunka. Sheikh Khaliifa bin Zayes bin Sultan Al Nahyaan oo geeriyooday bishii May ee sanadkan ayaa ahaa maskaxadi ka dambeysay horumarka dhan walba leh ee ay ku tallaabsatay iisu tagga imaaraadka wax ka yar nus qarni. Tan iyo sanadkii 2004-tii ayuu Sheekh Khaliifa ahaa madaxweynaha Imaaraadka, waxaana madaxweynihii labaad ee soo mara waddankan carbeed. Amiir ama Hoggaamiyaha Abu Dubai ayaa loo arkaa inuu yahay qofka dunida ugu qanisan hormuudkana u ahaa inuu dalkiisa uu ka mid noqdo waddamada caalamka ee horumarka looga tusaala qaato. Sheikh Khaliifa bin Zayes bin Sultan Al Nahyaan 2014-kii markii uu faalug ku dhuftay ayuu ka fariistay shaqooyinka dowladda uu hayey inkasta oo isagu uu dalka madaxweyna ka sii ahaa sawirradiisana goob walba oo dalkaasi ka mid ah ay surnaayen. Waxaana Sheekh Khaliifa si weyn loogu ammaanaa dal yar oo weliba saldanado yaryar oo qabiillo ka kooban uu u mideeyey isla-markaana uu uga dhigay mid ka mid ah dalalka ugu muruqa weyn xagga dhaqaalaha. Sheekh Khaliifa waxa uu haystay mid ka mid ah bortooyooyinka ugu qanisan caalamka, dhaqaalaha qoyskiisuna waxa uu ahaa mid aad u baaxad wayn. Waxaa la aaminsan yahay in isagu shakhsi ahaan uu lahaa hanti badan oo magaciisa ku astaysan. Sanadkii 2008-dii, Majalladda ka faalloota arrimaha dhaqaalaha shakhsiyaadka ee Forbes ayaa hantidiisa gaarka ah ku sheegtay ilaa $19 bilyan oo doolar. Marka laga soo tago shakhsi ahaan, qoyska Al-Nahyan ee boqortooyada dhaxalka u leh ayaa la rumaysan yahay inay haystaan hanti dhan adduun lacageed oo gaaraya $150bn (£123bn). Dabayaaqadii 1960-kii Britain waxay biloowday iney ka huleesho waddamada khaliijka ee ay guumeysan jirtay. Ingiriisku wuxuu halkaasi tagay qarni ka hor xilli ay ciidamo ay qabaa'illada leeyihiin ay dhaceen tareen xamuul oo halkaa marayey. Wuxuu Ingiriiska khaliijka uu u soo diray ciidamo ilaaliya tareenka si aan markale loo dhicin wixii intaa ka dambeeyeyna Ingiriiska wuxuu iskusii balaladhiyey wadamada khaliijka oo dhan. Markii ay waddamada khaliijka bilaabeen iney saliid la soo baxaanna Ingiriisku wuxuu go'aansaday inuu ka baxa dalkaasi maadaamaa uu arkay iney khatar uga iman karto. Kaddibna qabaa'illadi dagayey dhul kala qoqoban oo lix imaaradood ka kooban oo kala ah ((Dubai, Abu Dhabi, Sharjah, Ajman, Um-Al-Quwain iyo Fujairah) waxay isugu yimaaddeens shir ay ku midoobayaan. Bishii December 1971-kii lixdii Imaaradood wey midoobeen oo waxay dhisteen dal madax bannaan oo loo bixiyey Isu tagga imaaraadka carabta. Bilooyin kaddibna waxaa ku soo biirtay Imaarada Ras Al Khaimah sidaa ayaana lagu dajiyey khariidadda UAE. Madaxweynihi ugu horreeyey ee iisu tagga imaaraadkana waxaa loo doortay Amiirka Abu Dubai Zayed bin Sultaan Al-Nahyan. Kaddib saliid ayey soo saarteen waxaana dalkaasi u billaabatay qaninimo sababtay iney muwaaddiniinta dalkaasi ku noolaa oo dhan ay lacageystaan. Waddamada Khaliijka sida Sacuudi Carabiya, Cumaman, Qadar, Baxrain iyo Kuweyt iyaguna waxay mareen waddo taa la mid ah. Isu tagga Imaaraadka Carabta maanta wuxuu ka mid yahay quwadaha dhaqaalaha ee dunida ka muuqda siyaasadda bariga dhexe iyo dunida muslinkana sameyn ku leh. Dhaqaalaha ugu badan ee dalka Iisu Tagga Imaaraadka wuxuu ku dhisan yahay Saliidda halka ganacsiga iyo dalxiiskana ay ku jiraan kaalamaha labaad iyo seddexaad. Imaaaraadka Carabta horumarka dhaqaala iyo suuqa furan ee ganacsiga oo lagu ammaano marka laga soo noqdo waxaa lagu dhaliilaa arrimo la xidhiidha xuquuqda aadanaha. Waxaana dalkaasi lagu tilmaamaa inuu xuquuqda muwaaddiniinta uu dhowrin ahmiyadna ay siinin. Xorriyadda saxaafadda ayaa ah mid xaddidan. Ciddi nidaamka dowladda Imaaraadka dhaliisho waxay la kulmeysaa xarig iyo dil. Warbixin ay Amnesty International soo saartay 2012-ka waxay ku sheegtay Imaaraadka iney ka dhacen xarig wadareed, macabiista oo xadgudub baahsan loo geysto iyo xorriyadda saxaafada oo aad u liidato. https://www.bbc.com/somali/war-61774415 +politics Trump oo garsooraha maxkamadda sare u soo xulay Amy Coney Barret "Madaxwaynaha Mareykankanka Donald Trump aya u soo xulay Amy Coney Barrett, in ay noqoto garsooraha maxkamada ugu sareysa Mareykanka. Madaxwayna Trump oo hadal jeedinayay iyada oo ay barbar fadhido Amy Coney Barrett aya waxaa uu ku tilmaamay ""haweeney guulo waawayn gaartay "". Haddii ay aqalka sanetka ansixiyaan ayaa waxay garsoore Barrett badali doontaa Ruth Bader oo dhawaan geeriyootay iyada o ay da'deeda ahayd 87 sano jir. Soo xulidda uu maadaxwayne Trump u soo xulay haweeneydan ayaa waxay aqalka Sanetka ka dhex dhalin doontaa dood xooggan xilli doorashada madaxwaynanimada Mareykanka ee bisha November ay fooda inagu soo hayso. Amy Coney Barrett oo hadal jeedisay ayaa madaxwaynaha uga mahadcelisay soo xulidda uu u soo xulay inay noqoto garsooraha maxkamda ugu sareysa Mareykanka. Dhanka kale xubnaha xisbiga dimuqraadiga ayaa waxay si wayn uga soo horjeedsadeen soo xulidda garsooraha maxkamada ugu sareysa Mareykanka loo soo xulay Mrs Barrett . Musharaxa madaxwaynanimada ee xisbiag dimuqraadiga, Joe Biden, ayaa ugu baaqay aqalka Sanetka in aysan u codeyn soo xulidda Mrs Barrett ilaa ay ka dhaceyso doorashada madaxwaynanimadaa ee bisha November. Waxaa uu Mr Biden ka digay in Trump uu doonayo in uu burburiyo caafiamadka dadwaynaha gaar ahaan adeedgga ceymiska caafimaadka ee Obamacare. Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa darbadiiba bilaabay inay xiriir la sameeyan sanatarada xisbiga Jamhuuriga sida ay ila wareedyo u sheegeen Telefishinka CBS. Mrs Barrett ayaa haddii la bilaabo geedi socodka ansixinteeda hortagi doonta guddiga garsoorka oo ay xubnihiisa ka mdi yihiin 22 ka tirsan xisbiga jamhuuriga. Dhageysigaasi ayaa caadiyan qaata saddex ilaa labo maalmood. Dhageysiga ka dib ayaa waxay xubnaha guddigaasi u codeynayaan in soo xulidda loo gudbinayo aqalaka Sanetka iyo in kale. Xisbiga Jamhuuyriga ayaa aqlabiyad aan sidaasi u buurneyn ku leh aqalka Sanetka oo waxa ay ku leeyihiin 53 sanatar islamarkaana waxaa iska cad in ay haystaan 51 cod ee lo baahan yahay si loo ansixiyo garsoore Barrett." https://www.bbc.com/somali/war-54313986 +health Cudurka Covid ee gobolka Uttar Pradesh: Coronavirus oo si ba'an u saameeyay gobolka ugu dadka badan Hindiya "Hindiya waxay la daalaa dhaceysaa mowjad labaad oo cudurka Covid-19 ah, taasoo aad u xoog badan gobollo badanna saameysay. Uttar Pradesh, oo ah gobolka ugu shacabka badan ee dalkaas, ayaa ka mid ah meelaha uu sida ugu badan u halakeeyay cudurka, dadka ayaa dhibaato weyn la kulmaya in kastoo maamulka ay ku adkeysanayaan in xaaladdu ay wali tahay mid gacantooda ku jirta, sida ay kusoo warrantay Wariyaha BBC-da, Geeta Pandey. Kanwal Jeet aabihiis Niranjan Pal Singh, oo 58 jir ahaa, ayaa Jimcadii geeriyooday isagoo ku jira gaari ambalaas ah oo looga qaaday isbitaal si mid kale loo geeyo. Waxaa loo diiday ilaa afar isbitaal oo kala duwan maadaama aysan jirin sariiro ka bannaan. ""Waxay ii ahayd maalin wadne xanuun ah,"" ayuu igu yidhi mar uu telefoonka igula hadlayay isagoo ku sugan magaalada Kanpur. ""Waxaan aaminsanahay in haddii uu adeeg caafimaad heli lahaa waqti fiican uu noolaan lahaa. Laakiin cid na caawisay ma jirin, booliska, dhakhaatiirta ama dowladda toona."" Gobolka Uttar Pradesh, oo tan iyo billowgii sanadkan laga soo tabiyay kiisas dhan 851,620 iyo dhimasho gaareysa 9,830, xaaladdiisu sidan uma xumeyn markii ay jirtay mowjaddii koowaad ee Covid-19, xilligaasoo gobollo kale ay aad uga darnaayeen. Laakiin mowjaddan labaad ayaa aad u saameysay. Mas'uuliyiinta gobolku waxay sheegayaan inay xaaladda gacntooda ku jirto wali. Hase yeeshee waxaa warbaahinta aad u qabsaday sawirrada naxdinta leh ee laga soo qaaday xarumaha baaritaanka fayraska ee buux dhaafay, isbitaallada bukaannada dib u celinaya iyo aaska loo sameynayo meydadka faraha badan ee lagu arkayo meel walba oo ka mid ah magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Lucknow iyo magaalooyinka kale sida Varanasi, Kanpur iyo Allahabad. Uttar Pradesh, oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 240 milyan oo ruux, waa gobolka ugu dadka badan guud ahaan Hindiya. Haddii gobolkaas uu kaligiis waddan ahaan lahaa, wuxuu noqon lahaa dalka shanaad ee ugu dadka badan caalamka, waxaana ka horreyn lahaa oo kaliya Shiinaha, Hindiya, Mareykanka iyo Indonesia. Wuxuu xitaa ka dad badnaan lahaa Pakistan iyo Brazil. Gobolkan sidoo kale waa kan siyaasad ahaan ugu muhiimsan dalka Hindiya - waxaa laga soo doortaa tirada ugu badan xildhibaannada baarlamaanka oo ah 80, waxaana ku jira Ra'iisul Wasaare Narendra Modi oo isagoo gobol kale kasoo jeeda ka tartama halkaas. Laakiin saameyntan siyaasadeed uma aysan keenin wax horumar weyn ah. Hadda gobolkaas waxaa ku sugan 191,000 oo qof oo qaba cudurka, kumannaan kiis oo cusub ayaana lasoo tabiyaa maalin kasta - inkastoo tirooyinka la aaminsan yahay inay ka badan yihiin inta la shaaciyo. Dadka xanuunsan waxaa ka mid ah madixii golaha wasiirrada ee maamulka gobolka, Yogi Adityanath, dhowr wasiir oo kale, saraakiil badan oo ka tirsan dowladda iyo boqollaal dhakhaatiir ah, kalkaaliyeyaal iyo shaqaalaha kale ee caafimaadka. Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaan la hadlay tobannaan qof oo ku sugan gobolkaas, sheekooyin naxdin leh ayayna ii sheegeen. Muuqaallo ay isla wadaageen wariyeyaasha maxalliga ah ee magaalada Kanpur ayaa muujinaya nin xanuunsan oo yaalla meel gawaarida la dhigo oo ku taalla isbitaalka dowladda ee Lajpat Rai. Meel aan sidaas uga sii fogeyn, nin kale oo waayeel ah ayaa ku fadhiya kursi. Labadooduba waxay qabaan Covid-19 laakiin isbitaalka uma hayo sariiro uu ku seexiyo. Bannaanka isbitaalka dowladda ee Kanshiram, haweeney dhalinyaro ah ayaa ku murugeysan iyadoo sheegtay in labo isbitaal ay qaabili waayeen hooyadeed oo xanuunsan. ""Waxay sheegayaan in aysan sariiro heynin. Xitaa haddii aadan sariir heynin dhulka seexi, laakiin ugu yaraan dawooyin sii. Waxaa jira bukaanno badan oo iyada lamid ah. Waxaan arkay dad badan oo sideyda oo kale laga soo celiyay isbitaallada,"" ayay tidhi. Xaaladda magaalada caasimadda ah ee Lucknow, waa sidaasoo kale. Sushil Kumar Srivastava ayaa lasoo sawiray isagoo ku dhex jira gaarigiisa oo uu Oxygen ku xiran yahay, oo qoyskiisa ay marba isbitaal u kaxeynayaan haddana mid kale raadinayaan. Markii ay sariir u heleen, waxba lamaga gaari karin. Markii aan wacay wiilkiisa Ashish, wuxuu ii sheegay in uusan murugo darteed la hadli karin. ""Waad ogtahay waxa dhacay. Xaaladda aan ku jiro ma haa mid aan ku hadli karo,"" ayuu yidhi isagoo codkiisu uu gargariirayo. Boqollaal qof ayaa baraha bulshada ku shaaciyay warqad uu gacanta ku qoray garsoore howlgab ah oo uu caawinaad ku codsanayay kaddib markii ay dowladda ku guul darreysatay inay meydka xaaskiisa ka bixiyaan guriga. ""Aniga iyo xaaskeygaba waxaa nagu dhacay Covid-19. Ilaa shalay subaxdii, 50 jeer ayaan wacay lambarka gurmadka ee dowladda, laakiin ma jirin cid timid oo noo keentay dawo ama isbitaal noo qaadday. ""Maadaama ay maamulki shaqadooda gabeen, xaaskeyga saaka subaxdii ayay geeriyootay,"" ayuu ku qoray warqadda. Aniga shakhsi ahaan lama filaan iguma noqonin in gobolkan uu tabar u waayo la tacaalidda fayraska corona ee safmarka ah, kaasoo dadkiisa dhibaatada weyn u geysanaya. Muddo sannado ah, waxaan la socday in gobolka adeegyadiisa caafimaad ay aad u liiteen - waa meesha ay awowyaasheyda xaafadda ku lahaayeen, waana garanayaa culeyska ay leedahay in dhakhtar la helo ama xitaa gaari ambalaas ah la helo xilliyada qaarkood. Hadda oo uu cudurka safmarka ah sii xoogeysanayo, waxaa sii badanaya culeyska. Magaalada Varanasi, oo ah degmo baarlamaaneedka laga soo doorto Ra'iisul Wasaare Modi, nin lagu magacaabo Vimal Kapoor, oo muddo dheer daganaa, ayay hooyadiis oo 70 jir ah khamiistii ugu geeriyootay Covid-19, wuxuuna xaaladda ku qeexay mid cabsi leh. ""Waxaan arkay dad aad u badan oo ku dhex dhimanaya gawaarida ambalaasta ah. Isbitaallada ayaa bukaannada soo eryaya maadaama aysan sariiro u heynin, farmashiyadiina waxaa ka dhammaatay daawada aasaasiga u ah la tacaalidda Covid, sidoo kalena waxaa dhammaaday qalabkii oxygen-ta,"" ayuu yidhi. Mr Kapoor wuxuu sheegay in xitaa uu sare u kacay qiimaha qoryaha ay meydadka ku gubaan. Xitaa qabuuraha ayuu sheegay inay ciriir noqdeen oo la kala sugo. ""Waligay waxaanoo kale horay uma arkin. Meel kasta oo aad eegto, waxaad arkeysaa meydad iyo ambalaasyo,"" ayuu yidhi. Sheekooyinka ku saabsan qoysaska uu cudurka Covid-19 musiibada ku noqday ayaa isasoo taraya. Dowladda waxay Axaddii soo tabisay in hal maalin la diiwaan galiyay 30,596 kiis oo cusub, waana maalintii la shaaciyay tirada ugu badan. Laakiin dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda shacabka iyo siyaasiyiintu waxay sheegayaan in tirada faafitaanka cudurka ay aad uga badan tahay inta la sheegay. Waxay maamulka gobolka ku eedeeyeen inay qarinayaan lambarka saxda ah ee dhimashada iyo kiisaska cusub, iyagoo ka reebaya xogta looga soo gudbiyo sheybaarrada gaarka loo leeyahay. Iyadoo hadda uu cudurku si xowli ah u fidayana, lama filayo in mar dhow ay xaaladdu kasoo reyso." https://www.bbc.com/somali/war-56836822 +politics Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo Kansar laga helay "Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa laga saaray nabar maqaarka ah bishii hore intii lagu jiray baaritaan caafimaad oo caadi ah, Aqalka Cad ayaa sidaas sheegay. „Dhammaan unugyadii kansarka lahaa waa laga saaray, wax daawayn ahna looma baahna,” ayuu yidhi dhakhtarka Mr Biden. „Mr Biden wuxuu sii wadi doonaa la socodka maqaarka taasoo qayb ka ah daryeelkiisa caafimaad ee socda,” ayuu dhakhtarku ku daray. Madaxweynaha, oo 80 jir ah, ayaa bishii Febraayo baaris lagu sameeyay jirkiisa, kaasoo Aqalka Cad uu sheegay in uu caafimaad qabo oo ""ku habboon yahay waajibaadkiisa shaqo"". Kevin O'Connor, oo ah dhakhtarka Mr Biden, ayaa ku sheegay qoraal uu siiyay warbaahinta Jimcihii in nabarka laga saaray laabta Mr Biden 16kii Febraayo Xarunta Caafimaadka Qaranka ee Walter Reed ee banaanka Washington DC. ""Daawayn dheeraad ah looma baahna,"" ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in aaggu laga saaray maqaarku uu ""si wanaagsan u bogsatay"". Qoraalku wuxuu sheegay in nooca kansarka ee laga helay – uu yahay kansarka unugyada ee basal – kaas oo aan si caadi ah u faafin, ama guurguurin. Kansarka unugyada ‘basal’ iyo ‘squamous’ waa labada nooc ee kansarka maqaarka ee ugu badan gudaha Maraykanka, sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC). Waxaa laga helaa 3.6 milyan oo Maraykan ah sanad walba, waa nooca ugu badan ee dadka ku dhaca badanaa , sida ay qabto Mu'asasada Kansarka Maqaarka. Si tartiib tartiib ah ayu u koraa, waa la daweyn karaa waxaanu sababaa dhaawaca ugu yar haddii hore loo daweeyo. Si ka duwan noo kansarka ee melanoma - nooc kale oo mara maqaarka caadiga ah oo ku fidi kara qaybaha kale ee jidhka - kansarka basal iyo squamous ""labadaba badanaa waa la daweyn karaa, laakiin waxay noqon karaan kuwo ay adagtahay oo qaali ah in la daweeyo,"" CDC ayaa tiri. Bishii Janaayo, xaaska Mr Biden, Marwada Koowaad Jill Biden, ayaa laga saaray saddex nabar, iyadoo laba ka mid ah markii dambe laga helay cudurka kansarka unugyada basal. Mr Biden ayaa dhowr jeer oo hore laga gooyey kansar maqaarka ah oo aan ahayn melanoma, ka hor inta uusan noqon madaxweynaha. Si guud caafimaadkiisa 2021, Dr. Dhakhaatiirtu waxay ku talinayaan in habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo kansarka maqaarku ay tahay in la mariyo oo lagu daboolo kareemka cadceedda, xitaa xilliga aanay qorraxdu jirin. Biden ayaa muddo dheer u ololaynayey la dagaalanka iyo daweynta kansarka. Wiilkooda qaangaarka ah, Beau, wuxuu u dhintay kansarka maskaxda sannadkii 2015. Mr Biden ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo inuu mar labaad isku soo sharaxi doono xafiiska." https://www.bbc.com/somali/articles/cyj0kplzyg1o +technology Hindiya: Maxay dadka isdila tujaarta ugu badan yihiin? "Sida ay sheegtay waaxda dambi baarista Hindiya (NCRB) sanadki tagay ee 2021-ka oo keli ah dalkaasi waxaa isku dilay dad ka badan 164 kun iyo 33 qof. Afarti qof oo isdisho mid ka mid ah ayaa ah shaqaalaha muqruqmaalka halka seddexda kale ay yihiin dadka dhaqaala buuran haysta ama maalqabeenka ah. Warbixin ay waaxda dambi baarista Hindiya soo saartay waxay ku sheegtay 25.6% dadka isdila iney yihiin dadka danyarta ah halka 74.4% ay yihiin dadka maalqabeenka oo nolosha ka quustay. Warbixintu waxay sida oo kale sheegtay dadki isdilay 2021-ki 4,246 ka mid ah iney haween ahaayeen. Waxyaabaha warbixinta lagu xusay waxaa ka mid ah iney dadka Hindiya isku dilo intooda badan iney yihiin dad haysta dhaqaala fiican iyo shirkado iyagu ay leeyihiin. Dadku waxay aaminsan yihiin qofka inuu isdilo iney sanadkiba mar ku dhalato, balse xaqiiqdu sidaa waa ay ka duwan tahay. Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay 793,000 oo qof oo dunida ku nool iney qudha iska jareen dadkaasina intooda badan ay rag yihiin. Shanta dal oo ay dadka ugu badan isku dilaan waxaa ka mid ah Guyana, Kuuriyada Waqooyi, Kuuriyada Koonfureed, Sri Lanka iyo Lithuan Dalka Britain ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dalalka dadka isdilo ay aad u yar yihiin. Hase yeeshee, isdilka ayaa wuxuu bani aadamka ku yahay halis la mid ah cudurrada dilaaga ee uu caalamka ka qayliyey. Dalka Australia dumarka isdilo marka ragga la barbar dhigo waxay ka sarreeyaan seddex jibbaar, Mareykankana 3.5, Ruushka iyo Argentina waxay iyaguna ka sarreeyaan afar jibbaar. Dalka Kenya laftiisa isdilka ku soo badanaya ayaa wuxuu noqday mid aad looga murgo. Dalka Itoobiyana inkasta oo tira rasmi ah aan laga haynin waxaa aad u soo badanaya wararka la xidhiidha dadka isdila. Intooda badanna waa rag. Dalka Mareykanka oo dhibaatada isdilku ay aad ugu badan tahay ayaa wuxuu aasaasay 'sanduuq' ka hortaga isdilka. Kuxigeenka madaxa sanduuqa Jeal Harcuv wuxuu yiri ""Laga billaabo marki aan billaawnay inaan xogta isdilka uruurinno marweliba wuxuu farqi aad u weyn u dhaxeeyaa tirada ragga iyo dumarka isdilo"". Shanta dal oo ay dadka ugu badan isku dilaan waxaa ka mid ah Guyana, Kuuriyada Waqooyi, Kuuriyada Koonfureed, Sri Lanka iyo Lithuan Arrinta dadka isdilo ama qudha iska jaro ayaa waxay noqotay mid waddama badan aad looga hadal hayo, sababaha ugu muhiimsan ee isdilka in la darsana waxaa ku gudban caqabado aad u badan. Tirada ragga iyo dumarka ee dunida ku sii kala fogaaneysana waxay ka mid ah waxyaabaha murugti sii badinayo. Dumarka laftooda wey isku dayaan iney isdilaan ama qudha iska jaraan balse dalka Mareykanka tirada ragga iyo dumarka isku dayo iney isdilaan farqi badan uma dhaxeeyo hase yeeshee ragga habka ay u doorbidaan iney iisu dilaan ayaa ah mid arxan la'aan ah. Waxaa sida oo kale dhibaatadaasi sii huriyey siyaabaha qofka uu isku dilo oo si fudud lagu helayo. 10-ka qof ee dalka Mareykanka hubka haysata 6 ka mid ah waa rag taasoo la fahmi karo waxa ka dhalan kara." https://www.bbc.com/somali/articles/c72zz3r6pmno +politics ICJ oo diiday kiiska Kenya ee muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya "Maxkamadda ugu sareysa ee Qaramada Midoobeey ayaa sidii Soomaaliya ay dooneysay u xukuntay muranka xuduudda badda ee kala dhexeeya Kenya. Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya oo la hadashay weriyaha BBC Ferdinand Omondi, waxay sheegtay in ay ku adkeysaneyso go'aankeedii isbuucii hore ee ahaa in aysan aqoonsaneynin xukunka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka. Aagga ama nawaaxiga la isku haysto wuxuu gaarayaa 100,000km oo isku-wareeg ah, oo seddax xagal ah, kuna yaalla Badweynta Hindiya, waana aag loo maleynayo in shidaal iyo gaas badan ay ku jiraan. Khilaafka xuduudda badda wuxuu ahaa mid muddo soo jiitamayay oo labada dal ka dhex dhaliyay muran dhanka diblumaasiyadda ah. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ku faraxsan yahay xukunka, uuna Soomaalida oo dhan ugu hambalyeynayo soo celinta dhulka. Illaa 10-kii sano ee la soo dhaafay, Kenya waxay ku doodeysay in leenka xuduudda uu u leexanayo dhanka bariga, halkaas oo ay u arkeysay in xadka labada dal ee badda uu yahay. Balse Soomaaliya ayaa maxkamadda ka sheegtay in aysan ahayn in leenka xuduudda badda uu si toos ah u raaco midka xadka dhulka ee labada dal. Garsooreyaasha oo ka koobnaa 14 ee u fadhiistay go'aan ka garidda khilafka, waxay sheegeen in Soomaaliya aysan caddeynin in horey ay u ansixisay heshiiska xuduudda ay sheeganeyso. Maxkamadda ICJ ayaa la timid leen cusub oo laba u kala qeybinaya baddii lagu muransanaa, inkastoo qeybta ugu badan ay aaday dhanka Soomaaliya. Madaweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ""Farmaajo"" ayaa sheegay in go'aanka kasoo baxey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ee ku saabsanaa muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, uu yahay mid caddaaalad ah. Balse inkastoo Kenya ay horey u diiday in ay aqbaleyso go'aanka maxakamadda, haddana ma cadda waxa ay sameyn doonto. ICJ awood uma lahan meelmarinta xukunkeeda. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dooday in Kenya ay ku xadgudubtay madaxbannaanideeda, iyadoo howlgallo ka sameysay biyaheeda, waxayna dalbatay magdhow. Balse garsooreyaasha maxkamadda ayaa dooddaas Soomaaliya diiday. Sannadkii 2009, labada dal waxay isla gaareen is-afgarad ay taageereysay Qaramada Midoobeey, si xal looga gaaro khilaafka xuduudda iyadoo loo marayo wadahadal, taas oo baarlamaanka Soomaaliya uu diiday. Balse, shan sano ka dib xilligaas, Soomaaliya waxay sheegtay in wadahadalladii ay fashilmeen, waxayna dacwad u gudbisay ICJ. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Soomaaliya waxay ka carootay in Kenya ay iibisay shatiyo ku saabsan aaggii lagu muransanaa, sannadkii 2012. Isagoo hadlayay ka hor go'aanka maxkamadda, Mahdi Maxamed Guuleed oo ah Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, wuxuu BBC u sheegay: ""Waan aaminsannahay in xukunka uu yahay hannaan... Waa sababta aan u nimid maxkamadda"". Maxakamaddan ICJ waxaa loogu talagalay in ay xalka ugu dambeeya ka gaaro khilaafaadka u dhexeeya dalalka. Haddii Kenya ay diiday xukunka, waxaa arrinta loo gudbin doonaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobeey, sida ay sheegtay Wareiyaha BBC ee Hague, Anna Holligan. Ma jirin dal doonayay in xukunka uu sidan u dhaco, balse Soomaaliya ayaa faraxsan. Waxay heshay inta badan dhulkii ay sheeganeysay, Kenya dhankeedana waxay ku hanjabtay in aysan waxyarna ka tagi doonin. Madaxda Soomaalida ayaa shucuurtooda ku cabiray farriimaha ay baraha bulshada soo dhigayaan. Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya waxay sheegtay in ay ku taagan tahay go'aankeedii isbuucii hore ee ahaa in aysan aqbaleynin xukunka ICJ. Su'aasha waxay tahay, maxaa xiga arrintan, yaase meel marinaya xukunka maxkamadda? Kenya waxay muujisay in ay dagaal u gali karto sidii ay u difaaci lahayd ""dhulkeeda"" - Saldhig ciidamada badda ay ku leeyihiin nawaaxiga lagu muransan yahay ayaa dhowaan la sii hormariyay. Soomaaliya ma lahan ciidamo bad oo awood badan leh, balse waxay leedahay dalal saaxiibbo la ah. Balse dagaalka ma ahan arrinta ugu horeysa ee labadan dal laga filayo. Waxaa dhici kara wadahadallo kale, ama khilaaf diblumaasiyadeeda. Ama labadaba. Kenya waxay ku doodeysaa in aysan marka horeba ahayn in ICJ la soo dhexgeliyo arrintan ""maadaama uu jiray is-afgarad"". Balse bishii March ee sannadkan ayay si rasmi ah uga baxday kiiska maxkamadda, ka dib markii laga diiday in dib loogu dhigo dhageysiga maxkamadda. Waxay sidoo kale cuskatay in garsooreyaasha maxkamadda uu ka mid yahay qof Soomaali ah, waxayna dalbatay in laga saaro. Isbuucii la soo dhaafay waxay Kenya ku dooday in kiiska uu yahay ""hannaan garsoor oo khaldan"". Waxay intaa ku dartay in ""eex iyo cadaalad darro ay ku dhexjirto"", iyo in maxkamadda ay tahay meel aan u qalmin in khilaafka xal loogu helo." https://www.bbc.com/somali/war-58890855 +politics Shirkii ay saddexda nin ku go'aamiyeen mustaqbalka dunida, xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka "Bishii February ee sanadkii 1945-kii, saddex nin ayaa ku kulantay goob loo dalxiis tago xilliyada fasaxa damaashaadka, waxayna u shirayeen si ay go'aan uga gaaraan mustaqbalka Adduunka. Naaziyiintii Jarmalka ayaa markaas jilbaha dhulka dhigtay oo burburay. Ciidamadii Soviet-ka ayaa kusii dhawaanayay magaalada Berlin, halka xoogaggii isbahaysigana ay ka gudbeen xadka dhinaca galbeed ee Jarmalka. Dhanka badweynta Pacific, ciidamada Mareykanka ayaa guulo uu dhiig badan ku daatay gaarayay waxayna kusii siqayeen waddanka Japan. Maadaama ciidamadooda la arkayay inay ku guuleysanayeen dagaalka, raggii lagu tilmaami jiray saddexda nin ee waaweyn - oo kala ahaa madaxweynihii Mareykanka Franklin Roosevelt, Ra'iisul Wasaarihii Britain Winston Churchill iyo hoggaamiyihii midowga Soviet Joseph Stalin - waxay isku waafaqeen inay ku kulmaan magaalada Yalta, oo ahayd meel loo dalxiis tago oo ay Soviet-ka ku lahaayeen Badda Madow. Markii uu idlaaday dagaalkii ugu dhiigga badnaa ee abid soo maray dunida inta la og yahay, 75 sano ka hor, xulafadu waxay doonayeen inay ka hor tagaan in dagaal sidaas u khasaare badan uu mar kale ka dhaco caalamka. Laakiin Mareykanka iyo Ruushka labaduba waxay doonayeen in mid walba shuruudihiisa gaarka ah lagu wada shaqeeyo. Iyadoo xitaa heshiis uu ka dhacay Yalta, dhowr bilood gudahoodba waxaa billowday dagaalkii qaboobaa ee dunida - kaasoo uu sababayay hardanka u dhaxeeyay labada quwadood ee ku cusbeyd Adduunka, fikradahooduna ay kala qeybsanaayeen. ""Haddii ujeeddada shirkii Yalta ay ahayd in nabad buuxda la helo dagaalka ka dib, markaas wuuu guul darreystay kulankaas"", sidaas waxaa BBC-da ku yiri Barfasoor Andrew Bacevich, oo wax ka dhiga jaamacadda Boston. Markii uu billowday sanadkii 1945-kii Naaziyiintii Jarmalka way ku jabeen dagaalka. Waddanku wuxuu isku dayayay inuu iska caabiyo dhinacyadii kusoo duulay, inkastoo ay sii wiiqmeysay awooddiisa, laakiin natiijadii dagaalka wax shaki ah kuma jirin. Dhanka bariga Yurub, ciidamadii midowga Sovieet ayaa guul ka qaatay milatarigii Jarmalka, ka dib markii ay afar sano dagaallamayeen. Waxaa la qiyaasaa hal ka mid ah toddobadii ruux ee muwaadiniintii Soviet-ka ah ay ku dhinteen dagaalka, waxaana lagu sheegay inay dadka ka dhintay isku darkooda ahaayeen 27 malyan oo qof. Saddex meelood labo ka mid ah dadkaas waxay ahaayeen rayid. Qaar ka mid ah dadka cilmiga u leh dagaalkaas wayba kasii badiyaan tirada intaas. Magaalooyinkii waaweynaa ee waddanka iyo dhulalkii qaniga ahaa waxaa burburiyay dagaalka. Warshado, beero iyo xitaa guryo kuma harin dhulkii uu dagaalka saameeyay. Joseph Stalin waxaa ka go'neyd inuu dalkiisa mar kale cagaha ku istaago. Wuxuu Yalta tagay isagoo doonaya inuu galaangal weyn ku yeesho arrimaha ka socda bariga Yurub, uuna isaga hormuud ka noqdo, si loo badbaadiyo dhammaan dalalkii xubnaha ka ahaa USSR. Wuxuu sidoo kale doonayay in la kala qeybiyo oo dhaqaale ahaanna loo burburiyo Jarmalka, si uusan mar dambe halis u noqonin abid. Stalin wuxuu ogaa in dalalka reer galbeedka oo kaliya ay ku xirneyd in arrimahaas la hirgaliyo. Winston Churchill wuu fahansanaa ujeeddooyinka Mr Stalin. Bishii October ee sanadkii 1944-kii, wayna ka wada hadleen habkii uu Ruushka damacsanaa in loo kala qeybsado maamulka bariga Yurub. Wuxuu sidoo kale ogaa in ciidamadii Soviet-ka ee ka adkaaday Jarmalka ay wali aaggaas ku sugnaayeen, kana tiro badnaayeen ciidamada reer galbeedka, sidoo kalena UK aysan waxba ka qaban karin haddii Stalin uu go'aansado inay halkooda iska joogaan. Laakiin madaxweynaha Mareyanka wuxuu watay shuruudihiisa u gaarka ah. Wuxuu rabay in Stalin uu saxiixo heshiiskii aasaaska Qaramada Midoobay - oo markaas ahayd hay'ad cusub oo horkaceysay nabadgalyada caalamka. Inkastoo Roosevelt uu doonayay in lagu kulmo meel ka mid ah badda Mediterranean-ka, Stalin - oo ka cabsan jiray duullimaadyada diyaaradaha - ayaa soo jeediyay in la isugu tago Yalta. Wadahadallada waxay socdeen intii u dhaxeysay 4-11 bishii February, waxayna hoggaamiyeyaasha ku sugnaayeen dhismaha wufuudda Mareykanka ee loo yaqaannay qasriga Livadia. Saddexda hoggaamiye waxay horay ugu kulmeen magaalada Tehran sanadkii 1943-kii. Hal isbuuc ka dib, saddexda hoggaamiye waxay go'aannadooda u sheegeen dunida inteeda kale. Ka dib markii uu shuruud la'aan isku dhiibay Jarmalka, waxaa la isku raacay in la burburiyo. Magaalada Berlin waxaa loo kala qeybiyay labo dhinac, waxaana laga dhex dhisay darbi. Waxay caasimadda Jarmalka kala qeybsaneyd ilaa laga soo gaaray sanadkii 1989-kii. Roosevelt qorshihiisa ugu weyn ee uu xoogga saarayay wuxuu ahaa hirgalinta dhismaha Qaramada Midoobay, wuuna u ku guuleystay. Dhammaan saddexda waddan waxay isku raaceen in ay wufuud u diraan magaalada San Francisco, 25-kii bishii April 1945, si ay gacan uga geystaan abuurista hay'adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Intaas waxaa sii dheeraa in hoggamaiyihii Ruushka uu wacad ku maray inuu faragalin milatari ku sameyn doono Japan, ka dib markii uu ka adkaado Jarmalka. Churchill wuxuu ka walwalsanaa xaaladda ay ku dambeyn doonaan dalalka bariga Yurub, wuxuuna ciidamadiisa iyo kuwii Mareykankaba ku boorriyay inay gaaraan ilaa inta ay gacanta uga dhigi karaan bariga Yurub, ka hor inta uusan dagaalka dhammaanin. Wax ka yar labo sano ka dib Madaxweynihii Mareykanka ayaa ku dhawaaqay dagaalkii qaboobaa, si loo xakameeyo awoodda Soviet-ka ee sii weynaaneysay. Churchill iyo Roosevelt labadaba waxaa lagu dhaliilay inay waddo u fureen Stalin markii lagu shirayay Yalta. Laakiin sida iska caddeyd, madaxweynaha Mareykanka iyo Ra'iisul Wasaaraha UK ma aysan heysanin awood ay wax badan ku qabtaan, maadaama Stalin uu lahaa ciidamo badan oo markaas dagaal ku guuleystay." https://www.bbc.com/somali/war-51391063 +business Tuulo ku taalla Yurub oo lagu iibinayo qiimo jaban "Tuulada Salto de Castro ee ku taalla waqooyi galbeed Spain ayaa waxaa lagu iibinayaa lacag dhan 259,000 dollar. Deegaankan oo ka tirsan gobolka Zamora ee dhaca xuduudda Bortaqiiska, ayaa waxaa ku yaalla guryaha ay caanka ku yihiin dadka u dhashay Spain. Waxaa dhismayaasha kamid ah 44 guri, huteel, kaniisad, iskuul, goob lagu dabaasho iyo weliba xero ciidan. Hase yeeshee cillada haysata ayaa ah in aanay jirin cid hadda ku nool oo waxaa ay cidlo ahayd muddo ka badan 30 sano. Milkiilaha tuuladan ayaa iibsaday horraantii qarnigan, waxaana uu doonayay inuu ka dhigo goob loo dalxiis tago, balse xasaradii eurozone ayaa ka horjoogsatay qorshahaas. Barta Idealista ee lagu soo bandhigay iibka tuulada ayaa waxaa uu milkiilaha oo 80 jir ah ku sheegay inuu ""iibinayo maadaama uu yahay nin magaalada u badan, isla markaana uu fursad u waayay tuulada"". Dad badan ayaa muujiyay inay rabaan iibsashada tuulada qiimaha jaban awgii. Ronnie Rodríguez oo wakiil ka ah milkiilaha ayaa sheegay in 300 oo qof ay muujiyeen rabitaan ah inay iibsadaan tuulada. Dadkaas ayaa u dhashay dalalka Ruushka, Faransiiska, Belgium iyo UK. Xitaa qof ayaa lacag carbuun ah sii dhigay si aan looga iibsan tuulada, sida uu sheegay Rodríguez. Salto de Castro ayaa waxaa sanadihii 1950-meeyadii dhishay shirkadda korontada dhalisa ee Iberduero, si ay u degaan shaqaalaha dhisay biyo-xireen ku yaalla meel deegaankaas u dhaw. Shaqaalahaas ayaa tuulada ka guuray kadib markii uu idlaaday mashruucii dhismaha biyo xireenka, waxaana gebi ahaanba Salto de Castro ay cidlo noqotay dabayaaqadii 80-meeyadii. Aaggaas ayaa qeyb ka ah deegaannada loo yaqaan ""miyiga Spain” oo ah dhul aanay ku nooleyn dad badan isla markaana aan laga helin inta badan adeegyada muhiimka u ah noolasha. Ma aha markii ugu horreysay ee la beeciyo Salto de Castro. Waxaa mar lagu doonayay lacag dhan 7 milyan oo dollar, balse ma jirin cid iibsatay. Qiimaha hadda lagu doonayo ayaa u dhigma inta lagu iibiyo guryaha halka qol ah ee ku yaalla xaafadaha dadka ladan ee magaalooyinka Madrid iyo Barcelona. Qofka iibsan doona tuuladan ayaa u baahan lacag ku filan si uu uga dhigo mid loo dalxiis taga oo uu ka macaashi karo. Barta Idealista ayaa sheegtay in dhaqaalo ka badan 2 milyan oo dollar loo baahan yahay si tuulada looga dhigo mid shaqeyneysa oo soo saari karta faa’iido wanaagsan." https://www.bbc.com/somali/articles/crgngzne9pxo +health Coronavirus: Seynisyahanno u dhashay UK oo soo saaray dawo loogu talagalay Covid-19 "Dawo cusub oo ay seynisyahanno u dhashay dalka Ingiriiska usoo saareen cudurka Covid-19 ayaa lagu tijaabiyay Isbitaalka Jaamacadda Southampton ee waddankaas. Dawadan oo ay iska kaashadeen khubaro caafimaad ayaa ka kooban burutiin ama nafaqo lagu magacaabo "" interferon beta"", taasoo ah dhacaan uu jirkeenna soo saaro marka uu la kulmo fayras ku dhex faafaya. Natiijooyinka hordhaca ah ee tijaabada lagu sameeyay dawadan ayaa la filayaa inay soo baxaan dhammaadka bisha June. Waxaa hadda jira dawooyin shaqeynaya oo ay dhakhaatiirtu u adeegsadaan inay ku xoojiyaan difaaca jirka dadka bukaannada ah. Maadada laga sameeyay dawadan waa dhacaannada ay soo saaraan unugyada unugyada difaaca jirka, marka ay la dagaallamayaan fayras soo food saaray, iyagoo jirka intiisa kaena ku wargalinaya inay dhibaato timid, sida uu sharraxayo Richard Marsden, oo ah madaxa shirkadda dawadan soo saartay ee lagu magacaabo Synairgen, oo fadhigoodu yahay magaalada Southampton. Waxa uu sheegay in coronavirus uu u muuqdo in saameynta ugu weyn ee uu geysto ay tahay inuu daciifiyo unugyada difaaca jirkeenna. Dawadan oo khaas ah waxaa loogu talagalay in ay awood siiso difaaca jirka ee la dagaallamaya fayraska, rajada ugu weyn ee laga qabana waa in ay joojiso fiditaanka uu fayraska ugu dhex faafo jirka iyo sidoo kae inay caawiso dadka uu markii horeba difaaca jirkoodu daciifka ahaa. Maadada ay ka sameysan tahay dawadan ee la yiraahdo ""Interferon beta"" waxaa badanaa loo adeegsadaa cudurrada hakiya shaqada unugyada jirka, ee u diida inay isbaddal caafimaad sameeyaan. Dalladda ay ku mideysan yihiin khubarada seyniska caafimaadka iyo tiknoolojiyadda ee Synairgen waxay horay u muujisay sida ay diyaar ugu tahay xoojinta difaaca jirka iyo sambabbada dadka bukaannada ah ee qaba xanuunnada neefta iyo cudurrada kale ee sambabbada. Hase yeeshee howsha ay hadda qabteen, oo ah dawada ay u soo saareen cudurka Covid-19 waxaa laga mahad naqi doonaa marka ay soo baxdo natiijo fiican, maadaama dad bukaanno ah tijaabo ahaan loo siiyay. Kaye Flitney, waxay ka mid tahay 75 ruux oo loo diiwaan galiyay in lagu sameeyo tijaabada caafimaad, waxaana muuqaal khaas ah ka sameeyay barnaamijka BBC-da ee Panorama. Bukaannada iyadoo kale ah waxaa looga baahan yahay inay neef ahaan u qaataan dawadan, si ay dhakhso ugu gaarto gudaha hoose ee sambabbada. Kaye, oo 67 jir ah waxaa dhib ku ah inay fariisato sariirta ay isbitaalka ka jiifto, wayna qufaceysaa iyadoo qaabka dawada afka usii wadda. Waxay sheegtay in markii ugu horreysay ee ay ogaatay inuu ku dhacay coronavirus aysan ka fikirin xaaladdeeda caafimaad. ""Waxaan u cabsaday seygeyga, sababtoo ah wuxuu qabaa wadne xanuun. Cudurka wuu dili karaa isaga."" Haweeneydan oo isbitaalka la geeyay kaddib markii ay ku adkaatay neefsashada, waxay sheegtay in qaadashada daawada aysan dhib weyn kala kulmin. ""Maba dareemeysid inaad qaadaneysid ilaa aad ka dhammeysid. Aad uma xuma. Xitaa guriga waan ku isticmaali karaa,"" ayey tiri. 75 qof oo isxilqaamay ayaa ka qeyb qaadanaya tijaabada dawada, waxaana la kala geeyay 10 isbitaal oo ku ku yaalla Britain. Kalabar ka mid ah dadkaas waxaa toos loo siiyay dawada, kala barka kalena waxaa la siiyay dawo aan shaqeyneynin. Dhammaantood qof ka mid ah ma oga dawada la siiyay inay tahay tii saxda ahayd iyo inay tahay middii aan shaqeyneynin, ilaa laga ogaado natiijadana looma sheegi doono. ""Haddii aad ogaatid in dawada lagu siiyay maskaxdaada ayaa laga yaabaa inay wax fiican kuu sheegto,"" ayey tiri Sandy Aitken, oo ka mid ah kalkaalisooyinka dawada tijaabinaya. Rajada la qabo waa in bukaannada dawada la siiyay ay ka hor reystaan kuwa aan dawada qaadanin, sida uu sheegay Barfasoor Tom Wilkinson, oo ka tirsan jaamacadda Southampton. Tijaabadan waxay qeyb ka tahay ol'oe dawo deg deg ah loogu raadinayo cudurka oo ay billowday dowladda UK. Ujeeddada laga leeyahay waa in ay si dhakhso ah gurmad u helaan bukaannada la il daran Covid-19. Wajiga koowaad ee ol'olahan waxaa qeyb ka ah ilaa lix dawo oo kale. Ilaa 100 dawo oo lagu damacsan yahay in wax looga qabto coronavirus ayaa laga soo saaray guud ahaan dunida. Dawo lagu magacaabo remdesivir, oo horay loogu isticmaalay cudurka Ebola, ayaa hadda rajo aad u fiican laga leeyahay." https://www.bbc.com/somali/war-52526454 +politics Ilhaan Cumar oo dalbatay in la baadho arrin lagu sameeyay muslimiin xabsi ku jira "Xildhibaanno ay hoggaamineyso Ilhan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa warqad u qoray Waaxda Amniga Gudaha, iyagoo ka dalbaday in baadhitaan lagu sameeyo dhacdo ku saabsan dad muslimiin ah oo xabsiga dhexdiisa lagu siiyay hilib doofaar. Falkan waxaa ku kacay Ciidamada Ka hortagga Qaxootiga iyo Canshuur ka qaadista badeecooyinka lasoo dhoofiyo (ICE), sida lagu qeexay war-saxaafadeed ay si wadajir ah ugu saxiixnaayeen wakiillada Aqalka Congress-ka ee kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Andre Carson. Qoraal ay Ilhaan soo dhigtay boggeeda Facebook-ga ayey ku tidhi: ""Wax la aqbali karo ma aha warka soo baxay ee ku saabsan in dad muslimiin ah oo ku jira xabsiyada qaxootiga lagu khasbay inay kala doortaan hilib doofaar ama cunto xalaal ah oo qudhuntay. Arrintani waa khiyaanadii ugu dambeysay ee uu Trump ku sameeyay diinta, waxayna xasuusin u tahay bani'aadanimo xumada ka jirta xabsiyada ciidanka Ka hortagga Qaxootiga iyo Canshuur ka qaadista badeecooyinka lasoo dhoofiyo (ICE). Maanta waxaan horseed ka noqday warqad loo diray Waaxda Amniga Gudaha, si tacaddigaas loo soo afjaro."" Dad muslimiin ah oo ku jira xabsiga Krome ee magaalada Miami ayaa lagu soo warray in lagu khasbay inay kala doortaan hilib doofaar iyo raashin xalaal ah oo qudhmay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ay soo saareen Ilhaan iyo xildhibaannada kale ee ay ka wada tirsan yihiin Aqalka Wakiillada. ""Dhacdadan waxay ka mid tahay eedeymaha ay wajahayaan ciidanka ka hor tagga soo galootiga, kuwaasoo ay ka mid yihiin in maxaabiis yahuud ah loo diiday cuntooyinka loo yaqaanno Kosher-ka iyo waliba xad-gudubyo lagula kacay dad Hinduu ah iyo kuwo Masiixiyiin ah,"" ayaa lagu yidhi bayaanka. ""Dalka Mareykanka waxaa lagu dhisay mabaadii dhexdhexaad ka ah diimaha iyo in loo wada siman yahay sharciga,"" ayey tidhi Ilhan. ""Dhacdadan laga soo tabiyay Miami waa mid kale oo ku biireysa falalka bani'aadannimada ka baxsan eelagu sameynayo qaxootiga dariskeenna ah, waxaana mas'uul ka ah maamulka Trump,"" ayey war-saxaafadeedka dhankeeda ku tidhi Rashida Tlaib. Waxaa kale oo ka hadlay Andre Carson, oo isagana yidhi: ""Eedeymahan ku saabsan xad-gudubka waa kuwo dhibaato aad u weyn leh, waxayna u baahan yihiin in si deg deg ah loo baadho."" Warqadda lagu dalbaday baadhitaanka ee loo diray Waaxda Amniga Gudaha waxaa kale oo saxiixay wakiillada kala ah: Donald S. Beyer Jr, Judy Chu, Jim Cooper, Madeleine Dean, Ted Deutch, Debbie Dingell, Veronica Escobar, Sylvia R. Garcia, Jahana Hayes, Jared Huffman, Pramila Jayapal, Eddie Bernice Johnson, Marcy Kaptur, Rick Larsen, Barbara Lee, Jerrold Nadler, Eleanor Holmes Norton, Mark Pocan, Ayanna Pressley, Linda T. Sánchez, Jan Schakowsky, Albio Sires, Adam Smith, Juan Vargas, Nydia M. Velázquez, iyo Bonnie Watson Coleman." https://www.bbc.com/somali/war-53978496 +politics Sacuudiga ma wuxuu taageersan yahay Mareykanka mise Ruushka? "Ururka ay ku mideysan yihiin dalalka soo saara shidaalka ee magaciisa loo soo gaabiyo OPEC ayaa shaaciyay in hoos loo dhigay wax soo saarka shidaalka, dalalka xubnaha ka ahna waxay Arbacadii sheegeen in maalin kasta ay dhimayaan 2 malyan oo fuusto. Go'aankan ayaa kasoo baxay kulan ay dalalkan ku yeesheen caasimadda waddanka Austria ee Vienna. OPEC ayaa sheegtay in go'aanka lagu dhimayo wax soo saarka shidaalka ceyriinka ah looga golleeyahay in lagula socdo qiimaha shidaalka adduunka iyadoo halista hoos u dhaca ku yimid shidaalka caalamka ay sii korortay xilli qiimaha shidaalkana uu hoos u dhacay bilihii la soo dhaafay. Waa dhimistii ugu weyneyd ee wax soo saarka shidaalka ceyriinka ah ee maalinlaha ah ee dalalka xubnaha ka ah OPEC iyo xulufadooda ay ku dhawaaqaan tan iyo sanadkii 2020. Waxay u muuqataa in marka la yareeyo wax soo saarka shidaalka ceyriinka ah, uu gabaabis ku imaan doono qulqulka shidaalka dunida, waxaana suurtogal ah in uu kordho qiimaha shidaalka, maalmaha soo socda. Dadka falaanqeeya arrimaha gobolka ayaa rumeysan in go'aanka dalalka soo saara shidaalka ee OPEC aan loo arkin oo kaliya in isbaddal uu ku yimid shidaalka ceyriinka ah, oo ay tahay in loo arko in go'aanka ay daba socoto arrin siyaasadeed. Go'aankan ayaa sidoo kale dhabarjab ku ah madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, kaasoo isku dayay inuu hoos u dhigo qiimaha shidaalka dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Sidoo kale go'aanka wuxuu soo badhigay sida ay u fashilantay diblamaasiyadda maamulka Biden ee ku aaddan dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga. Tallaabadan ay ku dhawaaqeen OPEC ayaa loo arkaa mid muhiim ah sababtoo ah tamarta, sida shidaalka iyo gaaska, ayaa la sheegay inay door weyn ka qaataan dagaalka Ruushka iyo Ukraine. Go'aanka ayaa faahfaahin ka bixinayaa sida adag ee uu Biden u wajahayo siyaasaddiisa arrimaha dibadda iyo dhaqaalaha. Madaxweynaha Mareykanka ayaa bishii July booqasho ku tegay dalka Sacuudiga, waxaana ujeedka ugu weyn ee socdaalkaas uu ahaa sidii uu Sacuudiga uga dhaadhicin lahaa inuu sare u qaado wax soo saarkiisa shidaalka. Biden wuxuu Sacuudiga ka codsaday in ay sare u qaadaan wax soo saarka shidaalka balse go'aanka ay soo saareen dalalka OPEC ee uu horkacayay Sacuudiga ayaa muujinaya in booqashada Biden aysan saameyn ku yeelan go'aannada Sacuudiga. Hay'adda cilmi-baarista ee fadhigeedu yahay Maraykanka ee Carnegie Endowment for International Peace ayaa bishii August ee sanadkan daabacday daraasad ay si faahfaahsan uga hadashay muhiimadda iyo booqashadii degdegga aheyd ee Joe Biden uu ku tagay Sacuudiga. Warbixinta ayaa lagu sheegay in markii Mareykanka uu cunaqabateyn ku soo rogay Ruushka ay sii xoogeysatay saameynta ay gobolka ku leeyihiin dalalka Khaliijka. Cunaqabateynta uu Mareykanka kusoo rogay Ruushka waxay horseedday in uu cirka isku shareero qiimaha shidaalka ee loo diro waddamada Yurub iyo Mareykanka. Bilihii lasoo dhaafay, Biden wuxuu xiriir la sameeyay dalka Venezuela, wuxuuna booqday Sacuudiga isagoo halkaa kula kulmay dhaxal sugaha, Maxamed Bin Salmaan, xilli uu Biden raadinayay tallaabo kale oo dhanka shidaalka ah. Maxamed Bin Salmaan waxaa lagu eedeeyay in uu soo maleegay dilkii weriyihii Sacuudiga u dhashay, Jamaal Khaashuqji, waxaana la dhaleeceeyay kulanka Biden ee Maxamed Bin Salmaan. Biden wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Maxamed Bin Zayed, kala hadlay sidii uu sare ugu qaadi lahaa wax soo saarkiisa shidaalka balse Mareykanka ma uusan helin wax jawaab ah oo ku aaddan arrintaas. Waxay taasi muujineysaa in Biden uu maamuli waayay qiimaha shidaalka dalkiisa. Kaddib go'aanka ay soo saareen dalalka soo saara shidaalka ee OPEC, Aqalka Cad wuxuu Arbacadii sheegay in madaxweyne Joe Biden uu ka codsaday mamulkiisa iyo aqalka Koongareeska inay qiimeyn ku sameeyaan qaababka lagu kordhinayo wax soo saarka shidaalka isla markaana lagu dabcin lahaa maamulidda shidaalka ee ururka OPEC. Jack Sullivan oo ah la taliyaha qaran ee arrimaha amniga ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka niyad jabsan yahay go'aanka ay soo saareen dalalka ka tirsan ururka OPEC xilli uu dhaqaalaha dunida sii xumaanayo kaddib dhibaatada ka dhalatay dagaalka uu Putin ku qaaday Ukraine. Telefishinka Al-Jazeera oo soo xiganaya shirkadda caanka ah ee qaabilsan dhaqdhaqaaqyada suuqyada ee JP Morgan Chase ayaa sheegay in laga yaabo in Maraykanka uu isku dayayo in uu xakameeyo qiimaha shidaalka ee sare u kacay iyada oo loo marayo siyaasad ""looga hortagayo in shidaalka loo adeegsado hub ahaan"". Wargeyska New York Times ayaa sheegay in shirkii ay yeesheen dalalka OPEC ee ka dhacay Vienna uu ka jawaabay halka ay dalalka Carabta ka taagan yihiin dagaalka Ukraine iyo Ruushka. Ruushka wuxuu kamid ahaa dalalkii hoggaaminayay shirka, ma qarsoona xiriirka Ruushka iyo Iran, oo xubin ka ah dalalka adduunka ee soo saara shidaalka. Dhawaan ayay aheyd markii Iran ay ka iibisay Ruushka diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Drones-ka, waxaa diyaaradahaas loo adeegsadaa dagaalka Ukraine. Ra'iisul wasaare ku xigeenka Ruushka, Alexander Novak ayaa xiriir joogto ah la leh waddamada soo saara shidaalka. Mareykanka wuxuu si joogto ah isugu dayayaa sidii uu ku joojin lahaa dhakhliga Ruushka kasoo gala dhinaca shidaalka. Go'aankii ugu dambeeyay ee OPEC ayaa muujinaya in Mareykanka uu u muqdo mid ku guuldareysanaya dadaallada uu ku xakameynayo qiimaha shidaalka ee Ruushka." https://www.bbc.com/somali/articles/c3g8leppjzeo +technology Muxuu sameeyay cirbixiyeenkii isagoo hawada sare ku sugan ay ku timid cilladda bateri? "Cirbixiyeen u dhashay Ruushka ayaa ku qasbanaaday inuu si degdeg ah u joojiyo shaqadii uu ka hayay hawada ""sababo la xiriira cillad dhanka bateriga ah""oo ku timid jaakaddii uu xirnaa ee loogu talagalay hawada, sida laga soo xigtay hay'adda hawada ee Mareykanka ee Nasa. Waxay hay'addu sheegtay in Oleg Artemyev ay maamuleyaasha Ruushka ee dhulka joogay ay Arbacadii ku amreen inuu soo laabto. Nasa ayaa sheegtay in Artemyev, oo 51 jir ah, uusan ""marnaba khatar gelin"". Balse, waxaa laga yaabaa inuu lumiyay awoodda uu kula xiriiri lahaa saaxiibkiis Denis Matveev, oo 39 jir ah oo ay isla shaqeynayeen iyo maamuleyaasha. ""Iska dhig wax walba ee dib u laabo,"" ayaa loo sheegay Matveev, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, oo soo xiganeysa Nasa. Sababta loogu amray inuu soo laabto ayaa lagu sheegay inay ahayd si dib loogu hagaajiyo batariga. Matveev ayaa intaas kaddib dib ugu laabtay saldhigga hawada ay dalal dhowr ah ku mideysan yihiin ee ISS. Intii ay hawada ku jireen, labadan cirbixiyeen ayaa waxaa u suurtagashay inay dhameystiraan in labo kaamiro ay ku xiraan gacanta macmalka ah ee Yurub ee ku dhex taalla saldhigga ISS. Hay'adda hawada ee Ruushka ee Roskosmos kama aysan hadlin arrintan. Ma aha markii ugu horreysay ee arrintan oo kale ay halkaas ka dhacdo. Sanadkii 2013, Nasa ayaa joojisay in la aado hawada sababo la xiriira biyo ka soo daatay koofiyadda cirbixiyeen taas oo halis ahayd. Biyahan ayaa aad u badnaa heer Luca Parmitano, oo ahaa ninkii ugu horreeyay ee hawada aada ee Talyaaniga u dhashay uu wax maqli waayo amaba uu hadli waayo. Wuxuu ku qasbanaaday in saaxiibkiis Christopher Cassidy oo ay isla socdeen, uu weydiisto inuu ka caawiyo inuu dib ugu laabto saldhigga ISS. ISS - oo ah mashruuc ay ku lug leeyihiin shan hay'ad oo hawada sare ka howlgala oo ay ku jiraan kuwa Ruushka iyo Mareykanka ayaa shaqeynayay tan iyo sanadkii 1998, waxaana si joogto ah howlgal uu ugu jiray tan iyo sanadkii  2000. In ka badan 3,000 oo baaritaanno ah ayaa ka dhacay sheybaarkiisa. Bishii July, Ruushka ayaa sheegay inuu isaga bixi doono ISS wixii loo gaaro sanadka 2024 ayna dhisan doonto saldhiggeeda u gaarka ah. Xiriirka dalalkan ayaa xumaaday tan iyo markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday Ukraine 24-kii February, Ruushka ayaana hore ugu hanjabay inuu mashruucan isaga baxayo sababo la xiriira cunaqabateynta ay Reer Galbeedku saareen." https://www.bbc.com/somali/articles/cd1yvn16r3mo +business Kimberlee Perry: Sidee gabadhan $260 uga sameysay ku dhowaad $4 milyan oo dollar "Barnaamijka toddobaadle ah ee BBC-da eeThe Boss ee lagu wareysto dadka caanka ah ee horumarka ka gaaray ganacsiga guud ahaan dunida ayaa toddobadkan lagu wareystay Kimberlee Perry, oo ah gabadh sameysay shirkad qaabilsan arrimaha jimicsiga oo ku nool UK. ""Waxaan loo baahan yahay in aad xiriir la sameyso dadka, waana arrin farxad kuu horseedeyso"" ayay tiri Kimberlee Perry. Hadafka ay u bilowday inay bixiso casharrada dhanka jimicsigu wuxuu ahaa in dadka ay isku keentu gaar ahaan haweenka ku cidloobay magaalooyinka. Kimberlee Perry oo 35 jir ah waxay markii hore ka timid Australia, sanadkii 2014-kii, xilli ay umushay, waxay dareentay cidlo, sidaas darteed waxay go'aansatay inay bilowday in haweenka ay siiso casharro jimicsi ah. ""Markii aan u guuray deegaanka Harlow ee Ingiriiska, waxaan dareemay cidlo, cidna ma garaneyn, marka naadiga kaliya ah in aan ku biiro karo waxay noqon kartay midda hooyooyinka iyo dhallaanka"" ayay tiri. Kimberlee waxay ogaatay in aysan jirin goob haweenka jimicsiga lagu baro, marka waxay go'aansatay inay hirgeliso shirkaddaas, waxay gelisay 200 oo Gini. ""Waxaan doonayay in aan farxad dareemo- haddii aad tahay hooyo hor leh, mashquul ayaad tahay habeen iyo maalinba, marka jimicisgan wuxuu noqday waxkasta oo kulmiya waxa aan baahanahay nolosheyda- caafimaadka, xiriirka iyo waxa xiisaha leh"" Ka hor inta uusan dunida saameyn feyrsaka Korona, shirkaddeedu waxaa ku xirnaa bil kasta 47,000 qof- oo u badnaa haween ka kala socda, UK, Australia iyo New Zealand. Arrinta kale ee u horseeday inay sameyso ganacsigan wuxuu ahaa mar ay aheyd shaqaale oo ay waaysay fursad ah in la dallacsiiyo. ""Waan naxay, maalmo ayaan sariirta ku kor ooynayay- waa in 24 saac aad shaqeysaa- waxaan u maleynayaa in markii aan uurka ahaa ay ii horseeday go'aanka ah in la ii dallacsiin waayo"" Kimberlee waxay horey u garan jirtay ciyaaraha qoob ka cayaarka, waxay dadaal adag gelisay jimicsiga, marka waxay wax ka dhigi jirtay mid kamid ah goobah lagu jimicsado halkaas oo ay kala timid ah fikradda ah inay sameyso shirkaddeeda. Waxay sheegtay in fikradda hirgelinta goobta jimicsiga ay ku wargelisay seygeeda, wuxuu ku yiri ""Ma waalantahay"" Mallqabeen 100 Malyan oo gini hadiyad ahaan u siiyay jaamacad uu horay u dhigan jiray Ninkii qoriga iska dhigay ee taajirka noqday Wiil lacag shan gini ah helay oo laacibka kooxdooda u diray Markii ugu horreysay ay bilowdo casharreeda, Kimberlee waxay sameysay jadawal isla markaana waxay shaqaaleysiisay shaqaale maxalli ah oo ku sugan deegaanka Harlow. ""Hooyooyinka marka ay qaadanayaan casharrada jimicsiga waxay goobta la imaanayaan carruurta, bilooyin uun kaddib, waxaan bilaabay in aan casharro kale kusoo kordhiyo ,dalabka dartiis- dadku waxay jecel yihiin waxyaabaha xiisaha geliya, in muddo 45 daqiiqo ah ay ku gubayaan 600 calories"" ""Dhammaan lacagtii aan hayay waxaan geliyay ganacsiga- waxaan bixinayay kirada goobta aan ku qabanayay jimicigsa, waxaan soo iibiyay qalab badan, waxaan gaaray heer aan wada bixin waayay dhammaan casharrada, toddobaadkii 12 cashar ayaan bixin jiray"" Kimberlee waxay bilowday in diiradda ay saarto ganacsigeeda, dadkii tartan igula jiray waxay bilaabeen ganacsi lamid ah keeda, waxay haatan bilowday inay ballaariso ganacsigeeda. Haatan, Kimberlee iyo kooxdeeda waxay tababareen in ka badan 700 macalimiin ah, waxay haatan leeyihiin 320 stuudiyo oo ku yaalla guud ahaan UK iyo caalamkaba, xarumahaas waxay ka caawiyaan qalabka iyo halka lagu qabanayo casharrada jimicisga. Marc Mullen oo uu fadhigiisu yahay London ayaa aaminsan in jimicsiga noocan ah uu yahay mid caan ah oo xiiso gaar leh isla markaana haweenka ka caawinayo in bulshadu ay ku dhex jiraan. Xilli ganacsiga uu sanadkii lasoo dhaafay uu gaaray 3 malyan oo Gini, , Kimberlee waxay haatan maamushaa koox gaareysa 25 oo uu fadhigeedu yahay deegaanka Harlow. Haatan oo ay tahay qof madax ah, weli waxay bixisaa casharrada ""Waxaan toddobaad kasta bixiyaa 5 cashar, waan jeclahay in dareenka uu ii horseedayo, aniga oo og in maalin kasta aan dhiirigelinayo haween kale"" Bishii April ee sanadkan, shirkadeedu waxay casharradu ku bixisaa qaab Online ah, toddobaadkii waxay bixisaa 8 ilaa 7 cashar." https://www.bbc.com/somali/war-54060140 +health Sidee uga hortaggi kartaa khuurada? Runtii lama soo koobi karo tirada dadka habeenkii khuuriya marka ay hurddada meel fiican u mareyso, laakiin arrintani waa mid sii kordheysa. Tani ma khalkhal galin karto hurdada qofka khuurinaya oo kaliya ah laakiin sidoo kale waxay dhibaato badan u keeni kartaa dadka ku xeeran ee ka ag-dhaw qofka khuurinaya. Xitaa waxaa jiraa dhacdooyin badan oo ku saabsan khuurada oo horseeday in labo qof oo wada joogay ay kala tegaan. Marka aan neefsanno oo uu qofka qaato hawada ama soo celiyo xilligga huraddada waxaa khuurada sababaa gariirka ka dhasha unugyada jilicsan ee qoorta iyo madaxa qofka. Unugyadan jilicsan waxaa laga helaa marinnada sanka, qumanka iyo qaybta sare ee afka. Marka aad seexato, marinka hawada wuxuu ku jiraa xaalad dabacsan, ka dib waa in xoog lagu dalbadaa hawada si ay u gasho ama uga baxdo jirka, taas oo ay ugu wacan tahay gariir ku abuurma unugyada jilicsan ee qoorta iyo madaxa qofka. Si loo joojiyo khuurada, waa lagama maarmaan ah in marinka hawada la furo, si arrintan loo sameeyo, waxaa jira tallaabooyin dhowr ah oo dadka lagu taliyay inay qaataan. Carabka, garka iyo unugyada dufanka leh ee garka hoos yimaada waxay horseedi karaan in uu xannibaad ku yimaado marinka hawada gaar ahaan marka qofka uu beer beer u jiifsado. Markaa waxaa habboon in qofka khuuriya uu hal dhinac ah u seexdo sida in qofka mid kamid ah gacmahiisa barkisto. Maxaa ku dhici kara qofka haddii uusan helin hurdo ku filan? Shaqaalaha ma loo oggol yahay iney goobta shaqada ku indha guduudsadaan? Hurdada fiicani hore u toosbay leedahay Haddii aad qabto hergeb ama xasaasiyad, sankuna uu ku xiran yahay markaa waxay u badan tahay in habeenkii ama maalintaa aad khuuriso, marka ay kula soo deristo xaaladda noocaas ah waxaa lagaaga baahan yahay in si fiican aad u nadiifiso sankaaga ka hor inta adan seexan. Waxa kale oo isticmaali kartaa dawooyinka qofka ka caawiyo naqaska si aad u nadiifiso sanka, tani waxay meesha ka saari kartaa bararka ku yimaada unugyada dhiigga ee sanka. Haddii aad cayilan tahay, waxa laga yaabaa in aad garkaaga agtiisa aad ku yeelato unugyo dufan badan. Waxay unugyada dufanta leh ciriiri gelin karaan isla markaana xannibi karaan marinka hawada. Xaaladdan oo kale, waxay kuugu khasbeysaa in aad is caateyso si aad uga shaqeyso caafimaadkaaga, waxay arrintani sidoo kaa caawin kartaa inay meesha ka baxdo khuurada. https://www.bbc.com/somali/59711534 +business Ii saxiix Pizza isbuucle ah: Sheekada maadeysiga dhalisay ee Pizza-da iyo nikaaxa la yaabka leh ee ka dhacay Hindiya "Heshiiska guurka ee ay galeen lamaanahan waa mid weyn oo ay dadku aad u hadal hayeen. Laakin muuqaal laga soo duubay heshiis ay lammaanahan Hindiga ah kala saxiixeen oo uu dhowaan arooskoodu dhacay, ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada. Tan iyo markii lagu baahiyay barta Instagram-ka 22-kii Juun, maalin ka dib arooskooda, muuqaalka oo keliya ahaa 16 ilbiriqsi oo ay warqadda ku kala saxiixdeen ayaa waxaa la daawaday 45 milyan oo jeer. Waxaa jiray lammaanayaal kale oo horey arooskooda heshiisyo u kala saxiixday, laakiin dareenka muuqaalkan ugu dambeeyay ayaa waxa dadka soo jiitay ah heshiiska ay galeen ee ah in toddobaadkiiba hal Pizza ah uu gado ninka gabadha guursaday. Aroosaka oo 24 sano jir ayaa saaxibadiisa waxa ay sheegeen inuu aad u jecel yahay Pizza sidaa darteedna ay gacalisadiisa heshiis kula galay markii uu arooska dhacayay in 1 Pizza ah la cuno toddobaad kasta. Lamaanahan ayaa kulmay shan sano ka hor markii ay ku biireen hal fasal oo ay ka baranayeen maaddada  ganacsiga waxayna isla markiiba isku arkeen guruub WhatsApp-ka ah. Maalin maalmaha ka mid ah, markii uu seegay casharka ayaa waxa uu weydiistay caawimo, ka dibna Mintu waxay aqbashay inay caawiso. Sidaasi ayayna saaxiibo ku noqdeen oo wada sheekeysi ayay bilaabeen. Waqti ka dib, jacaylkooda ayaa waxa uu soo shaac baxay bishii Febraayo ee sannadkii 2018, lammaanahan ayaa markaasi bannaanka casho u aaday waxyna tageen makhaayad markii ugu horreysay iyagoo is jecel. ""Waxaan qaadanay maaddadii ugu dambeeysay ee maalintaas, waxaana tagnay maqaayad pizza lagu iibiyo  oo markaasi aan sidaa inooga fogeyn. Waan ogaa inay tahay inaan u qaado pizza, sababtoo ah wuxuu had iyo jeer ka hadli jiray pizza,"" ayay tiri Mintu, oo dukaanka alaabta elegtaroonigga ku leh magaalada. Shanti ayaa intaa ku daray, ""Aad ayaan u jeclahay pizza, waxaana mar walba dhihi lahaa aan tagno oo aan soo cunno pizza."" Laakiin in muddo ah ka dib, Mintu oo ""sidoo kale jecel pizza laakiin aan cuni karin maalin kasta"" ayaa bilowday cabasho. Lammaanaha ayaa sheegay in aysan waligood ku dagaalamin cunto - "" ilaa hadda laakiin Shanti wuxuu yiri ""waxay had iyo jeer u dacwoon jirtay saaxiibbadeeda, waxay sheegi jirtay sida ay uga xanaaqday in ay had iyo jeer cunayso pizza wuxuuna hadlkaasi noqoday kaftan u dhexeeya dhammaan asxaabtayada."" ""Jaceylka uu u qabo pizza ayaa ah midka aad u badan marka laga soo tago kan Mintu uu qabo. Waxaan u maleynayaa inuu ka fekero pizza waqtigiisa firaaqada iyo xitaa marka uu hurddo,"" ayuu yiri Raghav Thakur, oo saaxib la lammaanaha. “Tan iyo markii aan Jaamacadda ku kulanay 2017-kii, waqti badan ayaan isla qaadanay, aad ayaana isugu soo dhawaannay, waxaan aragnay sida jacaylkooda uu soo shaac baxay, waxaana rabnay inaan sameyno wax gaar ah, oo lagu xasuusan karo markii ay is guursadeen,” ayuu u sheegay BBC. ""Sidaas darteed, fikrado ayaan isu geynay kooxdayada waxaana la nimid siddeed qodob oo aan u maleynay inay lammaanahan ka faa’iidi doonaan.” Qandaraaska oo la qaabeeyey toddobaad ka hor guurkooda, waxaa ku jiray shuruudo kale oo badan waxaana ka mid ahaa - Waa inuu seeyga kariyaa quraacda maalinta Axadda ah, waa inuu soo dukaameysto 15 maalmood oo kasta ka dib. Wuxuu tagi karaa xafladaha habeenkii iyada oo ay weheliso xaaskiisa. ""Wax fikrad ah kama aan haysan in saaxiibadeen ay tani noo qorshaynayeen laakin markaan aragnay waan ku qanacnay waxayna ka dhigantahay in saaxibadayada ay fiican inoo garanayaan,"" ayay tiri aroosadda. Markaasi ka dib Lamaanuhu waxay diyaariyaan qandaraaska si ay derbigooda ugu dhejiyaan." https://www.bbc.com/somali/articles/c518yzjv9eyo +politics Trump oo qaaday tallaabo kale oo caqabad ku ah muhaajiriinta Madaxweyaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa kordhiyay muddada hakinta qaar ka mid ah sharciyada giriin kaadhis-ka sidoo kalana waxa uu joojiyay dal ku-gallada ajaanibta ilaa dhamaadka 2020-ka. Xirfadleyaasha ku xeel dheer tignoolojiyadda iyo shaqaalaha xilliyada gaarka ah shaqeeya ayay tallaabadani saameyn doontaa. Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in tallaabadani ay shaqa abuur u sameyn doonto dadka reer Mareykan ee uu dhaqaalohooda u wiiqmay sababo la xiriira fayraska corona. Hase yeeshee dadka wax naqdiya ayaa sheegay in Aqalka Cad uu si khaldan u adeegsanaya fayraska corona si uu u sii adkeeyo sharciyada ka dhanka ah socdaalka. Xog la siinayey warbaahinta ayay dawladdu ku sheegtay in joojintani ay soconaysa tan iyo inta laga gaadhayo dhammaadka sannadkan, taas oo saamaynaysa ku dhawaad dad gaadhaya 525,000 oo qof. Waxaana ka mid ah dadkaasi 170,000 oo qof oo u xannib-naanaya inaan loo ballaadhin doonin green card-koodii ama dal ku jooggoodii dalkaasi. Aqalka Cad ayaa markii hore ku dhawaaqay in la joojinayo fiisooyinka bishii Abriil. Dadka aysan saamayn doonin xadidaaddan cusub ee la soo saaray ayaa kala ah, dadka haysta nooca dal-ku gal ee loo yaqaan H-1B kaas oo ay badanaa qaatan Hindida ku shaqaysata tignooljiyadda. Amarku wuxuu joojinayaa fiisayaasha H-2B badankood ee la bixiya xilliyada gaarka, oo ay ku jiraan kuwa la siiyo shaqaaalaha warshadaha. Sida oo kale amarku wuxuu xaddidi doonaa fiisooyinka muddada-gaaban ee J-1, oo ay qayb ka yihiin ardayda jaamacadaha iyo dumarka carruurta xaneeenaya ee bixiya daryeelka ilmaha. Kuma jiraan macallimiinta jaamacaduhu, laakiin shuruuc gaaara ayaa la marin doonaa. https://www.bbc.com/somali/53146410 +health Wax ka ogow cunnooyinka iyo cabitaannada u fiican xusuusta "Marka laga fekero xusuusaha iyo cunnada waxaa kugu soo dhaceysa buuggii ahaa ""Baadigoobka Waqtiga Lumay"" ee uu qoray qoraaga u dhashay Faransiiska ee Marcel Proust, oo geeriyooday qarni ka hor, taariikhdu markii ay ahayd November 18, 1922. Waxyaabaha xusuustiisa carruurnimo soo kiciya waxaa ka mid ah doolsho la tiimbiyay shaah. Xusuusahaas lala xiriiriyo cunnada ""waxay sameysmaan iyadoo aan wax ka beddel lagu sameyn,"" sida ay BBC Travel u sheegtay Susan Krauss Whitbourne, oo cilmu-nafsiga ka dhigtay Jaamacadda Massachusetts Amherst. ""Waxay ku lug leeyihiin meelaha caadiga ah, ee aan hadalka lahayn ee maskaxda taasoo u gudbi karta iska warqabkaaga,"" ayay tiri. ""Taasi waa sababta aad u bixin karto falcelinno qiireysan oo xooggan marka aad cunto cunno soo kicinaysa xusuusahaas qotada dheer. ""Xitaa inkastoo aadan xusuusahaas erayo ahaan u beddeli karin, waad ogtahay inuu jiro 'shey' wax tegay ah oo ay cuntadaas soo kiciso. Xusuusta wax ka qoto dheer tahay cunnada qudheeda, waxyaabaha xiriirka la leh xusuustaas muddada dheer, sida goob amaba qof"". Balse, xiriirkan ka dhexeeya cunnada iyo xusuusta, suurtogal ma tahay inay jiraan waxyaabo gacan ka geysta? Sida uu qabo khabiirka dhanka cilmu-nafsiga Kimberley Wilson, oo shahaadada sare ka heysta cunnooyinka nafaqada leh ,waxaa jira cunnooyin iyo cabitaanno saameyn taban iyo mid togan ku yeelan karta xusuusta. Sidan ayuu u sheegay BBC Reel . ""Xusuustu waa awoodda aan u leennahay dib u milicsiga waxyaabo dhowaan amaba xilli fog dhacay. Waxaan leennahay saddex nooc oo xusuus: mid deg deg ah, mid hadda shaqeyneysa, iyo mid fog. Xusuusteenna degdegga ah keliya muddo gaaban ayay jiri kartaa: waxaad u adeegsan kartaa inaad ku garaacdo nambar uu qof hadda kuu sheegay adigoon meel ku qoran. Waxaan xusuusteenna shaqeyneysa u adeegsna karnaa inaan ku fekerno annagoo ficil ku guda jirna. Howlaha sida wada sheekeysiga, waxay naga caawiyaan inaan xusuusanno waxa uu qofku hadda sheegay, fahanno micnahooda, la xiriirinno wada sheekeysi hore, kaddib la wadaagno fekerkeenna gaarka ah. Marka la eego xusuusteenna muddada fog waxaan xusuusannaa waxyaabo dhacay maalmo ama sanado kahor. Xusuusaha ku keydsan waxay u soo guuraan xusuusta dhow. Waxaana soo baxaysa in waxa aan cunno ay saameyn ku yeelan karaan sida ay xusuusteennu u shaqeyneyso. Daraasad lagu sameeyay dad waaweyn oo qaba dhibaatooyin dhanka xusuusaha ah, 500 oo milliliters oo cabitaanka canabka purple-ka ah maalintii muddo 12 toddobaad ah ayaa u suurtogeliyay inay bartaan erayo badan marka loo barbardhigo kooxda aan cabitaankaas cabin. Daraasado kale oo lagu sameeyay carruur, inay cunaan 240 garaam oo canabka blueberries ah ayaa u suurto geliyay inay xusuustaan erayo badan ayna dib u soo xusuustaan si sax ah labo saacadood kaddib. Marka, cabitaannada purple-ka ah iyo blueberries ma kuwo muhiim ah baa? Hagaag. Labaduba waxaa ka buuxa maadda anthocyanins, oo ah nooca kiimikada dhirta oo lagu magacaabo polyphenols taasoo siisa midabkooda dugulka ah. Waxyaabahan polyphenol ayaa sidoo kale laga helaa noocyada kale ee canabka. Marka ay jirka galaan, waxay sare u qaadaan dabacsanaanta xiidmaha dhiigga iyo qulqulka dhiigga ee maskaxda. Tani waxay keeneysaa nafaqo badan oo tamar leh oxygen taasoo sare u qaadeysa xusuusteenna. Keliyana maaha canabka. In muddo dheer la cabo shaaha cagaaran ayaa sidoo kale lala xiriiryay inuu sare u qaado xusuusta dhowr, tan shaqeyneysa, uuna yareeyo hoos u dhaca garaadka. Taasina waxay war wanaagsan u tahay dadka jecel shukulaatada, sidoo kale, sababtoo ah kaakaawga wuxuu wanaajiyaa qulqulka dhiigga, inkastoo la rabo inay noqoto shukulaatada madow oo ka kooban in ka badan 70% kaakaaw si loo helo faa’iidadeeda. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah cunno caafimaad leh – oo qani ku ah furutada, khudradda, badarka buunshada leh, misirta iyo kalluunka dufanta leh. Cunnooyinka la warshadeeyay iyo kuwa la dubay Balse haddii shukulaatada, canabka, iyo shaaha cagaaran ay u fiican yihiin xusuuteenna, ma waxaa jira cunnooyin aan u fiicneyn? Tobnaan sano oo daraasado lagu sameyayay xayawaanka iyo dhowr jeer oo aadmiga lagu sameeyay waxay muujinayaan in cunnada la warshadeeyay ay saameyn taban ku yeelan karaan waxbarashada iyo xusuusta. Daraasad ayaa muujineysa 110 qof oo caafimaad qabay oo caadi ahaan cunnooyin nafaqo leh cuna in laga codsaday inay cunaan cunno la shiilay keliya hal toddobaad. Maalmo gudahood, waxay cunnooyinkaas u horseedeen dhibaatooyin dhanka waxbarashada iyo xusuusta ah iyo xakameyn xumo dhanka wax cunidda ah. Baaritaan la sameeyay ayaa inoo sheegaya in talaabbooyin yar oo loo qaado dhanka cunidda cunno nafaqo leh, sida inaad quraacda ku darsato furutao, cashadana khudrad ku dunto, ay naga caawin karto sare u qaadidda xusuusteenna maanta ayna difaac u noqon karto tan mustaqbalka." https://www.bbc.com/somali/articles/cv2dekrkgyro +technology Dukaamo lagu rakibay qalab tuugada aqoonsan kara "Qalab tijaabo ah oo ay ku jirto tiknoolojiyad aqoonsaneysa wajiyada dadka tuugada ah - oo lagu xiray 18 bakhaar oo ay leeyahay shirkadda iibisa cuntada ee Co-op food - ayaa kiciyay cadho ay muujinayaan dadka u dooda ilaalinta xuquuqda gaarka ah ee shakhsiyaadka. Qalabkan ayaa markii bakhaarrada iyo dukaamada lagu rakibo ayaa loogu talagalay in uu durbadiiba soo saaro dadka horay loogu diiwaan galiyay liiska tuugada ee dowladda. Waxaa qaab tijaabo ah loo geeyay xarumaha ganacsiga ee ay ka dhacaan falalka ugu badan ee ay tuugada geystaan. Tiknoolojiyadda qalabkan ku jirta ayaa qeylo dhaan sameyneysa marka meesha lagu rakiyo uu soo galo qof horay loogu yaqaannay ""fal xatooyo ah ama in uu leeyahay dabeecad dadka liddi ku ah"". Mas;uuliyiinta dukaankan qalabkaas lagu tijaabinayo ayaa sheegay in ujeeddadu ay tahay sidii shaqaalaha looga ilaalin lahaa weerarrada geystaan tuugada dukaamada wax ka xadda. Hase yeeshee, ururrada u dooda ilaalinta xuquuqda gaarka ah ayaa dhankooda sheegay ""inay aad uga walaacsan yihiin"" tijaabadan. Mahruucan waxaa billaabay suuqa Co-operative ee dhinaca koonfureed, kaasoo si madax bannaan u shaqeeya balse ka tirsan silsiladda dukaamada Co-op, wuxuuna maamulaa ilaa 200 oo bakhaar oo ku kala yaalla koonfurta England. Dhammaan dukaamadaas ayaa hal astaan isticmaala. Tiknoolojiyaddan waxaa wali loo adeegsadaa bakhaarradaas laakiin lama qorsheynayo in lasii ballaariyo oo dukaamo kale la gaarsiiyo, sida ay shirkadda mashruucan wadda u sheegtay BBC-da. Shirkadda caalamiga ah ee ilaalisa xuquuqda shakhsiyaadka u gaarka ah ayaa warqad ay shirkaddan u dirtay ku weydiisay su'aalo ku saabsan sharci ahaanshaha tiknoolojiyaddooda. Agaasimaha hay'adda dhowrista xuquuqda shacabka ee lagu magacaabo Big Brother Watch, Silkie Carlo, ayaa yidhi: ""Waa niyad jab in la arko shirkad si qarsoodi ah tiknoolojiyad ugu adeegsaneysa aqoonsiga wajiyada dadka, gudaha UK."" Bakhaarrada noocaas ah ayaa dhibaato weyn ku qaba saameynta ka dhalata xatooyada loo geysta oo soo noqnoqota. Tiknoolojiyadda loo adeegsado aqoonsiga wajiyada waxaa ku gadaaman su'aalo iyo muran xoog leh. Arrimaha ay doodda ka taagan tahay waxaa ka mid ah sida loogu kala xaqiijin karo jinsiyadda dadka iyo midabbadooda kala duwan. Waxaa sidoo kale walaac laga muujiyay in ay bannaanka soo dhigto arrimo kale oo dadka khaas u ah. Bishii August waxay maxkamad ku taalla UK sharci darro ku tilmaantay in booliska ay tiknoolojiyaddaas adeegsadaan kaddib markii ay dacwad ka gudbisay hay'ad u ololeysa xuquuqda rayidka. Dalka Mareykankana, shirkadaha waaweyn ee tiknoolojiyadda, sida Amazon iyo IBM, ayaa ayaa joojiyay adeegsiga qalabka wajiyada lagu aqoonsado, si ay sharci dajiyeyaasha fursad ugu siiyaan inay go'aan ka gaadhaan sidii qaab sharciyeysan loogu isticmaali lahaa." https://www.bbc.com/somali/war-55275174 +entertainment Bollywood: Kareena Kapoor iyo Sayf Cali Khan: 'Wuxuu nolosheyda ku soo kordhiyay nabad iyo xasillooni' "Kareena Kapoor waa atariisho caan ah oo ku guuleysatay bilado muhiim ah, waxay shirkadda aflaanta Hindiya ee Bollywood ka tirsanyd muddo 20 sano ah. Mar ay la hadashay Laanta BBC ee la hadashay Aasiya waxay sheegtay in aysan marnaba joojineyn aflaanta iyo tartannada. ""20kii sano ee aan ka mid ahaa aflaanta Bollywood, waxaan soo maray marxalado kala duwan, waxaana marba marka ka dambeyso ii kordheyay khibrad, welina ma aaminsani in aan leeyahay khibrad igu filan, sababtoo 20 sano wey yartahay, waxaana filayaa in sanadaha ii dhiman ay khibradeyda sii kordhi doonto,"" ayey tiri. Kareena Kapoor Khan ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay aflaanta ka sii mid ahaato 30-ka sano ee soo socota iyadoo dooneyso inay hesho khirad aad ugu filan. Kareena waxay is guursadeen jilaaga caanka ah ee Sayf Cali Khan, sannadkii 2012-kii, waxaana hadda u joogo hal canug. Waxay sheegtay in markii ay uurka yeelatay ay dadka aad ugu mashquuleen oo ay ku dheheen 'waad cayishay; waadna fool-xumaatay'. ""Dadka waxay aaminsan yihiin in haddii qofka uu guursado uusan qaban karin shaqooyinkii uu horay u hayay, marka waxaan u sheegayaa in aysan isku xirnayn,"" ayay tiri. ""Aniga atariisho ayaan ahay, waana sii ahaan doonaa weligey, lagamana yaabo in aan u joojiyo guurka dartii."" Mar la weydiyay waxa uu seeygeeda, Sayf Cali Khan, ka badalay nolsheeda ka dib markii ay is guursadeen, waxay Kareena sheegtay in Seif uu ""isu dheelitiray shaqadeeda iyo nolosheeda kale ee caadiga ah, uuna u noqday macallinka nolosha."" ""Waxaa jiro wax ka weyn oo ka muhiimsan lacagta, caannimada iyo guusha - taas oo aan filayo inay tahay qoyska, jacaylka iyo deganaanshiyaha dhanka maskaxda."" Sidaasi Kareena Kapoor Khan ayaa u sheegtay Haarun Rashiid. Waxay sheegtay in tan iyo markii ay is guursadeen Sayf Cali Khan ay gaartay heerka ugu sarreeya ee qanacsanaanta nolosha. Kareena Kapoor Khan, oo jishay aflaan badan waxay tilmaamtay in cashiro badan oo dhanka nolosha ah ay ka baratay seygeeda, ka dib guurkoodii 2012-kii. ""Wuxuu i baray in nolosha aysan ahayn oo keliya lacag ama tartan; wuxuu i baray inay jiraan waxyaabo ka muhiimsan lacagta iyo caannimada oo la jeclaado, waana in la yagleelo qoys jacayl ku dhisan,"" ayey sheegtay Kareena oo la hadashay BBC qeybta la hadasho Aasiya. Atariishadan caanka ah, waxay ahayd qofkii ugu horreeyay ee dumar ah ee shaqada si degdeg ah ugu soo noqday ka dib markii ay umushay, dhammaadkii sannadkii 2016-kii. Markii ay uurka lahayd waxay dadka ku dhihi jireen ""weligeen ma arkin gabar jilaa ah oo Hindi ah oo uur leh'. Waxay tiri: ""Sababtoo ah atariisha kastoo Hindi ah, marka ay uur yeelato waxay bilowdaa sida in ay is qarineyso. Waxay aadaan London ama Amerika"". Kareena Kapoor iyo Sayf Cali Khan oo labaduba ah jilayaal caan ka ah dalka Hindiya iyo caalamka, ayaa isguursaday 16-kii bishii October ee sanadkii 2012-kii. ""Ma ahan in qof uu bedeli karo adigoo dhan balse waa sida in uu noloshaada ku soo biirinayo nabad iyo xasillooni ah sida aad tahay. Waxa ugu wanaagsan ee aan Saif ka bartay waa in aan dareemo qofka aan ahay kuna naaloodo"". ""Ma ogeyn in ay jiraan wax dhaafsiisan lacag, guul iyo caannimo oo nolosha la xiriira. isaga ayaa i baray. Waa qoys, jeceyl xasillooni maskaxeed, in aan buug akhriyo iyo in aan fadhiisano oo ka sheekeysano wax aan shaqo la xiriirin"", ayey tiri. Sannadkii la soo dhaafay Kareena Kapoor ayaa markii ugu horreysay qiratay in markii ugu horeysay ee Sayf Cali Khan uu u soo bandhigay dalabka guurka, in aysan si 100% ah uga falcelinin. Markii labaad ee uu guurka ka dalbadayna, ay weli ka muujineysay sida aysan u hubin in ay ku kalsoonaan karto, sida ay qoreen warbaahinta Hindiya, oo uu ka mid yahay wargeyska Hindustan Times. Waxay sheegtay in Sayf uu markii ugu horreysay uu kala hadlay in ay is guursadaan xilligii ay isla jilayeen filimka lagu magacaabo Tashan. Filimkaas ayaa lagu jilay dalka Giriigga. Iyadoo sharraxeysa waxay tiri: ""Wuxuu igu yiri 'waxay ila tahay in aan isguursanno'. hadalkaas na wuxuu ii sheegay annagoo isla joogno Giriigga. Mar kalena hadalkaas wuxuu igu soo celiyay annagoo jileyna filimka lagu magacaabo Ladakh. Anigana waxaan markaas ku dhahay: 'ma ogi, sababtoo ah kuma garanayo'. Marka runtii taas micnaheeda ma ahayn 'maya', balse waxay ahayd in aan doonayay in aan si wanaagsan isku sii baranno"". Kareena Kapoor ayaa su'aal laga weydiiyay sida ay shaqadeeda usii wadatay ka dib markii la guursaday, carruurna yeelatay. ""Waxaan u maleynayaa in aan sameeyay go'aankii ugu wanaagsanaa nolosheyda oo dhan. Si wanaagsan ayaan u kala cadeeyay arrimaha ku saabsan nolosheyda, xirfadeed iyo midda shakhsi ahaaneed ee la xiriirta qoyska. ""Cudur ma aha in uu qofku jacayl galo, dhimashana ma ahan. Waan u sheegay Sayf, waxaana ku iri: 'I dhageyso, aniga waligey ma joojinayo shaqadeyda', isaguna wuxuu i yiri 'taas waajib ayey kugu tahay'."" Sayf Cali Khan ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay lagu weydiiyay inuu khatar ka dareemayo guulaha ay Kareena ka gaartay shaqada jilista aflaanta, iyo in filimkiisa uusan heer fiican ka gaarin box office-ka. Isagoo su'aashaas ka jawaabaya wuxuu yiri: ""Maya, maya, maya. Waxay ila tahay in aan aad uga fognahay arrin noocaas ah. Cid lagu eedi karo ma jirto taas. Waad ogtahay xaaladaha way isbeddelaan, mar kor ayaad jirtaa marna hoos. Mararka qaar qof wuxuu ka guulo badnaanayaan qof kale, mar kalena labada qofba waxay wadaagayaan wakhti aad u wanaagsan. Laakiin aniga weligey sidaas uma fakarin. Run ahaantii guulaha aan ka gaaray nolosheyda waxba kama galin box office, waa mid khuseysa qoyskeyga"". Sayf Cali Khan waxaa lagu qeexay inuu yahay jilaaga 4-aad ee dhaqaalaha ugu badan ka sameeya jilista aflaanta Bollywood-ka, marka laga soo tago Aamir Khan, Shah Rukh Khan, iyo Salman Khan iyo Akshay Kumar. Aabihiis waxaa lagu magacaabaa Mansoor Cali Khan Pataudi, wuxuuna ahaa kabtankii hore ee xulka qaranka ciyaaraha Cricket-ka ee dalka Hindiya." https://www.bbc.com/somali/war-55298572 +technology Muxuu yahay sanduuqa madoow ee diyaaradaha, muxuuse taraa? "Qalabka duuba dhaq-dhaqaaqa iyo xogta diyaaradaha ee loo yaqaanno ""sanduuqa madow"". Haddii uu dhaco shil, xogta duulimaadka iyo macluumaadka maqalka ee uu duubo sanduuqan madow wuxuu gacan ka geystaa in la helo caddayn faahfaahsan oo sax ah si khubarada hawada si ay u falanqeeyaan sababta ka dambeysa shilka. Marka uu shil diyaardeed dhaco, baarayasha waxay marka dadaal u galaan sidii ay ku heli lahaayeen sanduuqa madow. Falanqaynta xogta laga helay sanduuqa madow si loo ogaado badbaadinta rakaabka ayaa sare u qaaday badqabka diyaaradaha casriga ah, safarka hawaduna wuxuu noqday habka ugu wanaagsan ee gaadiidka wakhtigan casriga ah. Markaa, ""sanduuqa madow"" wuxuu badbaadin karaa noloshaada. haddaba ma garanaysaa qofkii hanidisay sanduuqan madow? Jimcihii, bishii 19 Oktoobar sanadkii 1934, diyaarad rakaab ah oo lagu magacaabo Miss Hobart ayaa ku burburtay badda iyada oo kasoo dhacday hawada sare, 9 rag ah iyo saddex dumar ah ayaa la socday diyaaradda oo la rumeysan yahay inay ku qaraqmeen, kaddib markii ay ku dhacday inta u dhexeysa Tasmania iyo Australia. Wali lama helin haragii diyaaradda, md ka mid ah rakaabka ayaa ahaa waddaad diinta masiixiga ah oo 33 jir ahaa kaas oo lagu magacaabo jiray Hubert Warren, kaas oo u socday kaniisadda cusub ee Enfield, oo xilliggaa laga furay Sydney, Auustralia. Xaaskiisii ​​Ellie iyo afartiisa carruur ah, ma aysan soo raacin diyaaraddii uuu saarnaa, waana laga soo tagey , waxay damacsanayeen inay soo raacan dooni, Haddiyaddii ugu dambaysay ee uu wadaadku siiyey wiilkiisa siddeed jirka ahaa, David, waxay ahayd raadiyo muraayad ahaa oo uu David heystay. David Warren, oo ah arday dhigta dugsiga hoyga ee wiilasha ee Launceston, Tasmania, ayaa daaray raadiyahii ka dib markii uu ka baxay fasalka si uu u ogaado sida ay u shaqeyso. Waxa uu sidoo kale lacag yar ka qaadi jiray asxaabtiisa si ay u dhagaystaan ​​baahinta ciyaaraha cricket-ka. David, oo ahaa nin dhalinyaro ah oo kaftan badan, Qoyskiisu waxay ahaayeen dad diuin leh, waxay doonayeen in uu noqdo wadaad diinta masiixiga ah. Laakiin taasi ma suurtagelin. xiisihii uu u qabay cilmiga seyniska ayaa u horseeday wiilkan in uu diiradda saaro badbaadinta noloha. David Warren markii uu 20 jir ahaa waxa uu jaamacadda Sydney ka baranayay cilmiga seyniska, halka uu PhD-ka culuumta Chemistry-ga uu ka qaatay Imperial College London. Waxa uu ku takhasusay cilmiga gantaalaha, kadibna waxa uu noqday cilmi-baare ka soo shaqeeyay shaybaarkka ARL, ee hoos taga wasaaradda gaashaandhigga ee Australia, isaga oo diiradda saaray cilmi-baarista duulista hawada. Sannadkii 1953kii, David, wuxuu qaatay shahaadada Masters-ka, waxaa uu kamid noqday guddiga howlaha gaarka ah ee wasaaradda gaashaandhigga, waxaana guddiga gaarka ah loo xil saaray sababta mar kasta ay u burburto diyaaradda halleland. Diyaaraddan ayaa u kala gooshi jirtay dalalka Ingriiska iyo Australia, waxay jari jirtay masaafo aad u fog. Khuburrada qaabisaneyd cilmi baarista ayaa baaray waxyaabihii tilmaamayay shilka, waxay sameeyeen dadaal badn laakiin waxba ma aysan qaban karin. Maalin maalmaha ka mid ah, mid ka mid ah khuburrada ayaa si fudud u sheegay in laga yaabo in shilka uu ka dhashay afduubkii diyaaradda. David Warren ayaa xilliggaas yiri, ""Ma jirtaa cajalad saarneyd diyaaradda oo duubeysay shanqarta diyaaradda?"" Xitaa haddii ay jirtay, laakiin suurtagalnimada in la helo ayaa aad u yareyd, sababtoo ah baaxadda shilka iyo dabka ka dhashay waxaa suurtagal ah in uu gubo sanduuqa madow. Laakiin ka warran haddii uu jiri lahaa qalab dabka iyo biyaha ka ilaaliyo cajaladda si loo dhageysto codka duuliyaha. David aad buu u damcay inuu arrintaan daba galo, laakiin madaxda sare dhab uma aysan arkeyn waxaa uu damacsan yahay wiilka yar. Waxay u sheegeen, haddii uu rabo inuu cilmi-baaristaas sameeyo, waa inuu ku sameeyaa wakhti ka baxsan saacadaha shaqada oo uu dadka ku baraarujiyo. David Warren waxa uu soo galay garaash ay leeyihiin qoyskooda kaas oo ay ka buuxeen biro badan oo kamid ahaa Raadiyihii uu aabihii haddiyad ahaanta u siiyay, . Halkaas ayaa laga sameeyay oo laga helay 'sanduuqa madow' ee maanta loo adeegsado duulimaadka. Sanadkii 1958-kii, nin aan lagu marti qaadin cilmi baarista ayaa gaaray garaashka David, isla markii uu ka soo galay albaabka, wuxuu waydiiyay David Warren in uu tuso aaladda uu hindisay isla markaana uu sameeyay. Wuxuu hal abuurkiisa tusay dadkii soo booqday, sanqduuq ka sameysan bir oo kaydin kara codadka iyo macluumaadka diyaaradaha ilaa 4 saacadood. Ninkii wuxuu isla markiiba gacan qaaday Warren oo u sheegay in uu diyaarad ka soo raaco Australia una aado London. Ninkaas waxaa lagu magacaabi jiray Sir Robert Hardingham, oo ahaa xoghayihii guud ee hay'adda duulista rayidka ee Ingiriiska. Ingriiska waxa aad ula dhacay waxyaabihii uu sameeyay David Warren, Telefishinka iyo barnaamijka Raadiyaha ee BBC ayaa Warren ka wareystay hal abuurkiisa. Baaritaanka diyaaraddii burburtay ee Ethiopian Airlines: Maxaan ognahay? Sameecadaha dhagaha la gashado oo ku qarxay haweenay diyaarad saarnayd Diyaarad rakaab oo duuliye la'aan duushay Sanadkii 1958, waxaa la bilaabay in lasoo saaro noocii ugu horreeyay ee sanduuqa madow, Midabkiisu ma ahayn madow, wuxuu ahaa huruud, midabkaasi wa mid jiro ilaa maanta, midibka huruudda ah ee dhalaalaya ayaa si ula kac ah loogu talagalay in lagu aqoonsado sanduuqa si fudud ka dib marka uu dhaco shil diyaaradeed. Waa maxay sababta loogu bixiyay ""sanduuqa madow""? David Warren waxa uu xusuustaa in kuwa lagu eedeeyay arrintaas ay eedaynayeen wariyeyaasha BBC-da. markii uu wareysiga siinayayay weriyeyaasha BBC-da, David Warren wuxuu isticmaalayay qalabk elekroonik ah oo loo yaqaanay ""sanduuqa madow"". xilliggaas ilaa iyo hadda magaca 'Sanduuqa madow' ayaa caan noqday, waana sida uu ku baxay. Sannadkii 1960-kii, kadib shil kale oo aan la garanayn uu ka dhacay Queensland oo ay ku dhinteen dhammaan 29 qof, Australia waxay noqotay waddankii ugu horreeyay adduunka ee u baahneyd ""sanduuqa madow"" ee lagu duubo shanqarta diyaaradaha. Maanta, ""sanduuqa madow"", waa mid aan biyaha gelin, duubi doona cod kasta iyo diyaarad, waana qalab ay u baahan yihiin duulimaadka adduunka. David Warren waxa uu ka soo shaqeeyay waaxda gaashaandhigga ee Australia ilaa uu shaqada ka fariistay 1983-kii, markii ​​ugu dambeysana waxa uu ahaa cilmi-baare sare. wuxuu dhintay 19, July sanadkii 2010 isaga da'diisu tahay 85 jir. In kasta oo uu u yimid inuu helo abaalmarinta 50 sano ka dib hal abuurkiisii, Warren si kastaba ha ahaatee waligiis laguma siin wax lacag ah. Naxashkiisa markii la aasayay, sida ku cad tilmaamihiisii ​​intii uu noolaa, waxaa lagu qoray, ""Qofkii hindisay diiwaanka shimbiraha, Ha furin""" https://www.bbc.com/somali/60891075 +health Maxay ragga jirdhiska sameeya u isticmaalaan maaddooyinka murqaha kobciya? "Halista dhanka caafimaadka ee lala xiriiriyay qaadashada daawada murqaha dhista ee steroids ayaa ah mid ballaaran oo si weyn loo diiwaangeliyay sida dhalmo la'aanta, tababar darri ku timaadda xubinta taranka ee ragga, qabatinka iyo bidaarta, sida laga soo xigtay waaxda adeega qaran ee Ingiriiska. Inkasta oo laga digay tani, hadana waxaa jiraa in ka badan hal milyan oo qof oo u badan rag oo daawada steroid ku isticmaasha gudaha UK, sida laga soo xigtay hay'adda ka hortagta dawooyinka sare u qaada tamarta. Josh Torrance oo ah cilmi baare ayaa sanado badan ku qaatay in uu daraasaad ku sameeyay suuqyada iiibiya daroogada mamnuuca ah, xilli uu ku howlanaa shaqadan wuxuu arkay dhalinyaro badan oo saaxibadood ay kula taliyeen inay qaataan daroogada. Josh Torrance oo cilmiga PHD-ga ka dhigta jaamacadda Bristol ayaa sheegay in baraha bulshada ay ka qeyb qaateen isticmaalka daawooyinka kala dysmorphia iyo steroid Mr Torrance wuxuu yiri bulsho ahaan, ""waxaan u baahanahay inaan si dhab ah wax uga qabano [dysmorphia] haddii aan rajo ka qabno inaan ragga dhallinyarada ah ku qancinno inaysan bilaabin qaadashada steroids marka horeba"". Josh Bridgman oo ku nool London oo sanadkii 2019 bilaabay qaadashada dawooyinka tamarta kordhiya ayaa BBC u sheegay in dhibaatada ay ka dhalato balse uu jirkiisa u hurayo si uu u kobciyo murqahiisa. Wuxuu BBC u sheegay, ""Weydii qof ciyaaryahan kasta oo ka qeybgala Olympic, waxay kuu sheegayaan in 'waa in aad naftaada u hurtid' Mr Bridgman waxa uu sheegay in uu baaray dawooyinka uu qaadanayo, waxaa uu qaatay cuntooyin. Dad badan uu cilmi baaristiisa ku wareystay Josh Torrance, ma qabtaan wax jimicsi ah sida kaxeynta baaskiil, halka dadka ay iska joojiyeen qaadashada daawooyinka muddo dheer si jirkoodu uu usoo kabsado. ""Dadka murqahooda dhisa ma sameeyaan waxyaabihii looga baahnaa inay sameeyaan, sida ay qaatan cunto caafimaad leh maalintii iyo in wakhti ay ku qaataan jimicisga"" ""Waxay dadaal ugu jiraan sidii ay jirkooda ku dhisi lahaayeen, haddii aad qaadato daawada Steroids ama aad qaadaninba dhisidda murqaha dadaal bey u baahan yihiin"" Sanadkii 2020-kii, warbixin ay soo saartay Emily Robinson, oo ah agaasimaha waxbarashada iyo istraatiijiyadda ee hay'adda UKAD ayaa lagu sheegay in isticaamlka khaldan ee daawada Steroid ay haatan halis caafimaad oo saameyneysaa bulshada. Daawada ugu qaalisan adduunka oo badbaadisay nolosha wiilkan yar Cunidda hilibka badan oo laga digay Baadari ku ceeboobay aas uu ka qaybgalay Hay'adda UKAD waxay sheegtay in cudurro dhowr ah ay ka dhashaan isticmaalka badan ee steroids. Mr Bridgman wuxuu ka tirsan yahay qeyb kamid ah bulshada jir dhiska ee sida cad uga hadasha daawada steroids ee qofka ka caawiyo in murqahiisa ay kobcaan. Waa sharci in la haysto oo la isticmaalo si kastaba ha ahaatee, waa sharci-darro in la haysto, la soo dejiyo ama la dhoofiyo steroids waa haddii la ogaado in aad ka ganacsaneyso. Mr Bridgman waxa uu bilaabay tababarka miisaanka 10 sano ka hor waxa uuna ku andacoodey in in ka badan 90% asxaabtiisa ay qaadanayaan steroids." https://www.bbc.com/somali/war-61058400 +health Nooc ka mid ah khudaarta aysan Soomaalida ka illoobin cuntada oo la ogaaday inuu ka hortago cudurka kansarka "Bocor-guduud-ka waa nooc ka mid ah khudaarta sida joogtada ah loo isticmaalo, Soomaaliduna waxa ay u adeegsadaan inay tayo dheeri ah ugu yeelaan cuntooyin kala duwan, sida suugada baastada iyo bariiska. Shaki kuma jiro in qoys walba oo Soomaali ah raashinkooda maalinlaha ah laga helo bocorka oo noocyo kala duwan leh, inkastoo khudaartan aysan ahayn mid ay Soomaalida oo kaliya isticmaalaan. Balse marka laga soo tago tayeynta raashinka, boqcor-guduud ku wuxuu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo dadka qaar marka ay ogaadaan ku noqda kuwo lama filaan ah. Kuwani waa shan ka mid ah faa’iidooyinka caafimaad ee ugu waaweyn ee laga helo bocor-guduud-ka. Bocor-guduud-ka waxaa ku jira nafaqooyin wax tar weyn u leh maqaarka bani’aadanka, waxaana ka mid ah fitamiinnada C iyo E. Sidoo kale waxaa ku jira maaddada beta-carotene oo maqaarka ka dhigta mid dhalaalaya oo caafimaad leh. Fitamiin C jirka uguma sameysmo si dabiici ah, sidaas awgeedna waxaa muhiim ah in laga helo cuntooyinka uu qofku qaato. Noocan fitamiinka ah waxa uu kaalin weyn ka qaataa in uu maqaarka siiyo awood, si dhaqso ahna uga kabsado dhaawacyada soo gaara. Fitamiin E ayaa isagana si wanaagsan ula fal gala nooca C-ga, waxa ayna si wadajir ah uga shaqeeyaan in maqaarka uu adkeysi u yeesho kuleylka qorraxda iyo in uusan engagin. Maaddada beta-carotene, oo sidoo kale loo yaqaanno fitamiin A ayaa iyadana maqaarka ka caawisa in uu iska difaaco fallaaraha qorraxda ee loo yaqaan ""UVB”, waxayna maqaarka ka celisaa inuu ku gubto kulka cadceedda. Fitamiin A-ga oo yaraada ayaa lala xiriiriyay aragga indhaha ee daciifa iyo xitaa naafanimada indhaha. Maaddada beta-carotene oo ay wehliyaan fitamiinnada C iyo E ayaa indhaha ka caawiya in ay ka yareeyaan khatarta cudurrada soo wajaha. Maaddada beta-carotene ee ku jirta bocorka guduudan waxay isu beddeshaa fitamiin A marka la cuno ka dib. Cilmi baaris la sameeyay ayaa muujisay in fitamiin A uu muhiim u yahay xoojinta unugyada difaaca jirka bani’aadanka. Waxaa xoogeysta shaqada difaaca marka ay jirta soo galaan tiro badan oo ah fitamiin A. Waxaa taas sii dheer in fitamiin C-ga uu unugyada difaaca jirka xoojiyo uuna badiyo tirada xididda dhiigga cad. Bocor-guduud-ka waxa uu gacan ka geystaa ka hor tagista xaalad loo yaqaanno “Metabolic syndrome” oo ah isu tagga cudurro dhowr ah oo ay ku jiraan sokorowga ama macaanka, cayilka xad dhaafka ah iyo dhiig karka. Xanuunnadan waxa ay si wadajir ah u kordhiyaan khatarta uu qofku ugu jiro inuu wadnaha istaago ama kusoo boodo faalig oo afka qalaad lagu dhaho “stroke”. Daraasad dalka Japan laga sameeyay sanadkii 2015 ayaa lagu ogaaday in khudaar uu ka mid yahay bocor guduudka ay kaalin ka qaataan ka hor tagista cudurradaas isbahaysta. Inkastoo aysan jirin cuntooyin si toos ah uga hor taga xanuunka kansarka, xaaladaha iyo noocyada kansarka qaarkoodna aysan wax xiriir ah la lahayn raashinka uu qofku cuno, haddana waxaa caddeymo loo helay in joogteynta raashin caafimaad leh ay gacan ka geysan karto in ay yaraato khatarta kansarka. Waxaa intaas sii dheer in dhammaan maaddooyinka laga helo bocor guduudka, sida fitamiinnada C, A iyo E ay ka hortegi karaan noocyo badan oo ka mid ah kansarka dilaaga ah, sida kansarka naasaha. Bocorka waa khudaar uu isticmaali karo qof walba, inkastoo dad kooban ay ku qabi karaan xasaasiyad." https://www.bbc.com/somali/articles/cw063rg9p41o +politics Trump sideedda arrimood ee laga soo xigtay ee dunida ka yaabiyay "Buugaag badan ayaa ilaa iyo hadda laga qoray madaxtinnimada Trump, laakiin buuggii u dambeeyay ee uu qoray lataliyihiisii hore ee ammaanka John Bolton ayaa soo jiitay indhaha dad badan marka la eego eedeymaha uu ku qoray buugiisa cusub iyo xilka uu u hayay Trump. Bolton ayaa warbaahinta la wadaagay qeyb ka mid ah buugga uu dhawaan daabici doono oo ka hadlaya muddadii uu la shaqeynayay Trump iyo wixii uu goobjoogga u ahaa. Madaxweyne Trump ayaa isku dayaya inuu hor istaaga daabacadda buuggani oo magaciisa lagu sheegay "" Qolka ay Waxaan oo dhani ka dhaceen"" Waxaan halkan idin kula wadaageynaa eedeymaha la yaabka leh ee uu buuggani daaha ka rogay: Britain waxay ahayd dalkii seddaxaad ee tijaabiyay hub niyukliyeer ah sanaddii 1952. Waxaa ka horreeyay Mareykanka iyo Ruushka. Balse Trump arrin ugub ah ayay u ahayd in Britain ay ku jirta dalalka fara ku tiriska ah ee ku hubeysan Niyukliyeer. Arrinta ku saabsan hubka niyukliyeerka UK ayaa la soo hadal qaaday mar uu Trump kulan la lahaa ra'iisalwasaarihii hore ee UK Theresa May sanaddii 2018. Mid ka mid ah la taliyayaasha Theresa May ayaa arrintan soo hadal qaaday. Sida lagu qoray buuga Trump ayaa dabeedna yiri, "" Waxaan idin weydiiyay ma awood niyukliyeer ayaad leedihiin?"" Mr Bolton waxa uu sheegay inysan "" kaftan ka ahayn Madaxweynaha hadalkaa uu yiri"". 2. Finland ma Ruushka ayay ka tirsan tahay? Bolton ayaa soo qaatay tusaale kale oo uu ku muujinaya in aqoonta guud ee Trump ay aad u liidato. Mr Trump ayaa la sheegay inuu mar weydiiyay madaxii hore ee madaxtooyada Aqalka Cad John Kelly in Finland ay tahay qeyb ka mid ah Ruushka iyo in kale, sida lagu qoray buugga Bolton. Hadalkan ayuu weydiiyay ka hor inta uu madaxweynaha Ruushka kula kulmin caasimadda Finland ee Helsinki. Mr Trump ayaa laga soo wariyay inay mar la qumanayd in Mareykanka uu ku duulo Venezuela, sida lagu qoray buugga. Trump ayaa mar u haystay in dalkaasi ku yaalla Koonfurta Ameerika uu ka tirsan yahay Mareykanka. Inkoastoo Trump ay caadi la ahayd in lagu duulo Venezuela, haddana caro ayuu ka muujiyay duulaankii Afqaanistaan oo waxaa laga soo weriyay inuu yiri sida lagu qoray buuga ""Dagaalkaasi waxaa gaystay nacas lagu magacaabo George Bush"". Sida laga soo xigtay buugga Bolton oo qeyb ka mid ah lagu daabacay wargeyska The Wall Street Journal, Trump ayaa ka dalbaday Shiinaha inay isticmaasha awoodeeda dhaqaale si ay uga caawisa Trump in dib loo soo doorto doorashada madaxtinnimada ee Nofeembar. Bolton waxa uu buugiisa ku sheegay in Trump uu u muuqday inuu raali ka ahaa markii uu Xi difaacay go'aanka Shiinaha ay Muslimiinta ka soo jeeda Uighur ku ciqaabeysa. ""Trump wuxuu ku yiri Xi waa arrin wanaagsan inaad xeryo u dhista oo aad ku haysa Muslimiintaasi"", sida lagu sheegay buuga Bolton. Dowladda Shiinaha ayaa la sheegay inay xeryahaasi ay maxaabiis ahaan ugu haysa ilaa iyo hal milyan oo Muslimiinta Shiinaha ee u dhashay Uighur Bolton waxa uu buugiisa ku sheegay in 2018-kii uu Trump go'aansaday inuu dalkiisa ka saara gaashaanbuurta NATO isagoo ka careysan inaysan lacaga badan bixinin xubnaha dalalkaasi. Masuuliyiinta ayaa arrintaa uga digay. ""Waan ka baxeynaa, mana difaaceyna kuwa aan lacagahii laga sugayay aan wali bixinin"" ayuu yiri Trump sida lagu qoray buugga Bolton. Mr Bolton ayaa sheegay in Mr Trump uu hogaamiyaha Shiinaha u sheegay in dadweynaha Mareykanka ay aad u daneynayaan in isbadel lagu sameeya dastuurka si Trump uu madaxweyne u sii ahaada in ka badan muddo xileedka labada jeer ah." https://www.bbc.com/somali/war-53097219 +health Bangaladesh: Sida maska ugu halista badan uu usoo rogaal celiyay "Qeybo kamid ah waqooy galbeed dalka Bangaladesh gaar ahaan deegaanno dhaca buuraha Padma waxaa dhibaata ku haya mas halis ah oo la yiraaahdo Russell's viper. Maskan ayaa maalmihii ugu dambeeyay qaniinay dad badan xilli uu cabsi ku reebay halkaas. Russell's Viper ayaa ah maska ugu halista badan Bangaladesh. Dadka uu qaniinay maskan waxaa lagu arkay dhiig bax joogto ah, xinjirowga dhiigga, nabarro dhanka isha ah, qeybo kamid ah jirkooda oo qallalay iyo kilyaha oo shaqadooda gabay. Waxaa loo maleeyay in maskan uu ka ciribtirmay Bagaladesh sanado ka hor balse waxaa jiray caddeymo muujinaya in 10 ilaa 12 sano uu soo ifbaxayay maskan. Waxaa Bangaladesh ka socdaa baaritaano la xiriira waxa maskan kusoo celiyay dalkaas. Ahsan Mansoor oo bare ka ah qeybta xanaanada xoolaha ee jaamadacadda Chittagong ayaa cilmi baaris ku sameeyay soo ifbixidda maska Russell's Viper ee Bangaladesh iyo halista uu ku hayo banii'aadanka. Daraasadda waxaa lagu wareystay 20 qof oo uu qaniinay maska Russell's viper gudaha Bangaladesha intii u dhexeysay 2013 ilaa 2016, waxaana darasaadda lagu daabacay jornaal Asiatic Society ee kasoo baxa Bangaladesh. Waxaana la ogaaday in maskan uu ku nool yahay 16 kamid ah degmooyinka Bangaladesh, sida ku xusan daraasadda maska wuxuu ku nool yahay waqooyiga iyo waqooy galbeed dalkaas. Daraasadda waxay sidoo kale sheegtay in maskan uu ku nool yahay degmooyinka Rajshahi iyo Chapainawabganj. Khuburrada waxay ka cabsi qabaan in maskan halista ah lagu arki qeybo kamid ah adduunka kale. Sababaha uu maskan ugu soo batay Bangaladesh waxaa kamid ah dhulka beereedka badan ee ku baahayo halkaas, sida uu sheegay Farid Ahsan oo la hadlayay BBC qeybta la hadasha Bangladesh. ""Jiirka badan iyo dhul beereedka ballaaran- waana cuntada ugu badan uu ku tiirsan yahay maskan"" Maskan wuxuu ku nool yahay dhulka dhirta leh iyo beeraha halkaas oo ay halis ugu jiraan dadka beeraleyda ah in uu waxyeello beeraleyda. Marka uu roobka da'o, wuxuu maskan kusoo galaa Bangaladesh isaga oo soo raaco webiyada Hindiy, sida laga soo xigtay Ahsan. ""Ilaa iyo hadda inta badan maskan wuxuu ku nool yahay dhulka buuraleyda ah ee Padma halkaas oo ay ku yaallaan biyo fariisiin ah"" ""Abeeso ayaa iigu dhuumatay musqusha"" Haweeney ayadoo moog mas diyaarad la raacday Haweeney ayadoo moog mas diyaarad la raacday Wuxuu intaa ku daray in Shan kamid ah masaska Russell lagu arkay waqooy galbeedka dalkaas sanadkii 2014, waxaana la sii daayay 2015. Si kastaba, Profasoor Ahsan wuxuu rumeysan yahay in tiradaas masaska ah aysan ka qeyb qaadan in maska noocan ah uu ku baaho Bangaladesh. Maskan wuxuu dhibaato ku hayo shacabka Hindiya in kasta oo kiisaska qaniinyadiisa aysan sidaa ugu badneyn Bangaladesh. Maadama maskan uu ku nool yahay dhul beereedka, beeraleyda waxay ku joogsan karaan maskan xilliyada habeenkii sidaas ayuu dagaal ka bilaabaya maska Russell's Viper marka uu dareemo in lasoo weeraray. Durbadiinba, qofka marka uu qaniino maska wuu miir daboolmaya, saacad kadib waxaa biyo gashanayaa qeybo kamid ah jirkiisa. Haddii qofka uu wax dawo ah heli waayo wuxuu u horseeday xaalad caafimaad oo halis ah sida dhiig kar ama Kilyaha oo shaqeyn waayo. Sida laga soo xigtay Ha'yadda Caafimaadka Adduunka sanadkii 2016, ku dhawaad 5.4 malyan oo qof ayuu sanadka kasta maska ku qaniinaa guud ahaan dunida halka hal malyan oo qof sanad kasta uu dunida ku qaniino." https://www.bbc.com/somali/58448114 +sports "Boris Johnson aabihii oo ku baaqay in wiilkiisa ""uu nasasho badan helo""" "Boris Johnson ""waa inuu nastaa"" mar hadii laga soo saaray qaybtii daryeelka culus ee isbitaalka ee uu coronavirus u jiifay, ayuu yidhi aabihii. ""Koox ahaan ayaynu ugu gurmanay imikana waa in aan si wada jir ah u shaqaynaa"" ayuu yidhi Stanly Johson oo BBC la hadlay. La taliyaha dhinaca sayniska Prof Neil Ferguson, oo la weydiiyey goorta dalka UK ka bixi doono xidhxidhnaata ayaa wuxu ku jawaabay arintaasi ""waxay ku xidhantahay da'da dadka iyo deegaannada "". Dhanka kale dawladda UK ayaa bilowday olole ay ku dhiiri gelinayso in ay dadku guryahooda joogaan oo aanay u soo bixin ciidda Easter ka iyo fasaxa Bank Holiday. Stanley Johnson ayaa sheegay in qoyskooda oo dhami ""nafiseen"" isla markaana ay ""aad u mahadnaqayaan"" mar hadii ra'isal wasaarihii haatan laga saaray qaybta daryeelka culus ee isbitaalka St Thomas, waxaanu intaa ku daray inuu rumaysan yahay in cudurkani ""dalka oo dhan dareensiiyey in marxalad adag lagu jiro"". ""Qoyskayagii buu soo gaadhay cudurku, oo dhammaantayo welwel buu nagu abuuray"" ayuu yidhi. Wuxu intaa ku daray in ay jiri doonto ""muddo nasasho ah"" inta aanu ra'isal wasaaruhu ku noqon shaqada xafiiskiisa Downing Street, waxaanu yidhi "" waa inuu nastaa"". Prof Fersugson, oo ka stirsan Imperial College London, ayaa u sheegay barmaamijka Today ee ka baxa BBC Radio 4 in shaqada 'muuhiimadda koobaad leh ee ugu horraysaa 'tahay sidii looga bixi lahaa xayiraadda coronaviurus keenay oo ay weliba ku foogan yihiin saynisyahannada iyo xukuumadduba ""daqiiqad kasta oo aanay ka nasan"". Isagoo ka hadlayay talaabooyinka la qaadi doono si loo furdaamiyo xayiraaddaas, ayaa Prof Ferguson wuxu sheegay in Ingiriisku bilaabi doono olole dadka lagu baadhayo ""si cidda laga helo loo karantiimeeyo'. Hase yeeshee wuxu carrabka ku dhuftay in xayiraaddu sii socon doonto 'dhawr todobaad oo kale'. Hadalkiisani wuxu soo baxay iyadoo wasiirka ka tirsan xukuumadda oo la yidhaa Robert Jenrick difaacay socdaallo uu galay oo sida lagu soo waramay warbaahintu ku dhaliishay in uu isagu ku tuntay xeerarkii xayiraadda. Wasiirka ayaa la sheegay in uu ka socdaalay London oo uu tagay halka Herefordshire, oo uu waalid kiina ugu tagay halka ay deganyihiin oo ah degmada Shropshire, sidaana waxa ku waramay wargeysyada Daily Mail iyo The Guardian. Xukuumadda ayaa ku talisay in aan la safrin, waxaany dadka ku tirtirsiday in aanay u dhawaanin eheladooda waayeelka ah. Jenrick oo ah xildhibaan laga soo doorto Newark Notthinghamshire, oo shaqadiisa wasiirnimo u jooga London ayaa sababta socdaalkiisa ku sheegay inuu tageyey 'guriga qoyskisu deganyahay' ee Herefordshire ku yaal si uu ugu tago afadiisa iyo caruurtiisa. Waxaanu intaa ku daray in uu waalidkii ugu tagay si uu ugu geeyo alaabo muhiim ah oo aanay ka maarmayn oo dawooyin ka mid yihiin, taasna sharcigu fasaxayo. Xog-hayaha guriyenta ee mucaaradka Nick Thomas-Symonds ayaa sheegay in ay lagama maarmaan u tahay in ""uu shacabka u sheego"" Jenrick sababta socdaalkiisa. Laakiin waxa uu intaa ku daray in hadii wasiirka guriyeyntu dawo waalidkii u geeyey waa ""inuu cadeeyaa in uu sharcigu arintaa si cad u qeexayo"". Prof Paul Cosford oo ah agaasimaha waaxda caafimaadka dadwaynaha ee gobolka England ayaa sheegay in xeerku ""aad u qeexanyihiin' oo ah in ay dadku guryahooda joogaan afar xaaladood mooyee kuaas oo kala ah in uu qofku jimicsi dibadda ugu baxayo, cunto iyo dawo soo iibsanayo, isbitaal tagayo ama shaqo aanu ka baaqan karin. ""Arintaa Jenrick ka hadli maayo waayo waxay u eegtahay in uu xeerarka raacay laakiin dadka kale siyaabo kale ayey u arki karaan"" ayuu u sheegay barnaamijka Today oo waraysi la yeeshay. Mar la weydiiyey istaraatijiyadda xukuumadda ee goorta xayiraadda laga baxayo, Prof Cosford wuxu yidhi ""waan fahmi karaa inay jiri karaan xaalado keeni kara in xayiraadda la qaado sida ugu dhakhsa badan"", laakiin wuxu digniin ku sheegay in ay ""weli muhiim tahay in aan hore loo qaadin'. Tirade dadka ku dhintay isbitaalada UK ee laga helay fayraska ayaa kor ugu kacday 7,978, waxaanay saraakiishu sheegeen Khamiistii in maalintii taa ka horraysay ay 881 ay dhimashadu gaadhay. Ra'isal wasaaraha, waxa qaybta daryeelka culus laga saaray habeenimadii Khamiista laakiin isbitaalka ayuu ku sii jiri doonaa, sidaana waxa sheegay xafiiskiisa Dawning Street. Coronavirus ayaa lagaga dawaynayay tan iyo Axaddii ibitaalka London ku yaal ee St Thomas. Xafiiskiisuna wuxu sheegay in ""in dhakhaatiirtu aad ula socon doonaan inta uu ka soo kabanayo cudurka"". Wasiirka arimaha dibadda Dominic Raab, oo ku sii simaya xilka Johson, ayaa sheegay in xayiraadu dalka saaraan doonto ilaa iyo inta la helayo caddaymo muujiyana in cudurku hoos u dhacay. Waxaanu shirka jaraa'id ee maalin laha ah ee xukuumaddi qabato ka sheegay in ""maadaama oo qof kastaa dadaalayo, maadaama oo qof kastaa huray xorriyadiisii yeynaan dedaalkaa hal bacaad lagu lisay ka dhigin. Yeynaan wixii aynu taransannay baabiin, yeynaa dadaalka dadka qiimo ridin"" ""Coronavirus yeynaan fursad kale oo uu dad badan ku dilo siinin oo dalkeena uu ku dhaawaco"" ayuu intaa ku daray. Waxaanu sidoo kale sheegay in ay adagtahay in dadka oo doonayey in ay ciidda Easter-ka eheladooda booqdaan lagu yidhaa is xayira. Raab wuxu hadalkan jeediyey fasaxa Bank Holiday oo noqon doona horraanta todobaadkan iyadoo la saadaalinayo in heerkulka magaalada London uu Sabtida noqon doono 26 C, in kasta oo saadaashu sheegayso in Axaddu ay intaa ka qaboobaan doono. Booliska iyo dawladaha hoose ayaa sidoo kale Khamiistii ku wargeliyey dadka in aanay fasaxa ka bixi karan magaalooyinkooda oo aanay loo socdaali karan goobaha loo dalxiis tago. Downing Street ayaa sidoo kale sheegay in ""taageero buuxda"" siinayo askarta booliska ah ee dhaqan gelinaya xayiraadda. Xayeysiisyo badan oo xukuumaddo soo dirayso kuna saabsan ciidda Easter-ka ayaa lagu baahin doonaa wargeysyada iyo baraha bulshada, kuwaas oo shacabka ku tirtirsiyaya in ay guyahooda joogaan fasaxan. Af-hayeen u hadlay xukuumadda ayaa yidhi ""waanu fahamsanahay in adku doonayaan in ay wakhti la qaataan eheladooda iyo asxaabtooda ciiddan Easter-ka, waxaanan sidoo kale garawsanahay in aanu shacabka ka codsanayno in ay fasaxooga u huraan la dagaalanka cudurkan. Haatan marxalad adag baynu maraynaa oo aynu kaga hortagayno fiditaanka coronavirus waana muhiim markaa in aanu sii wadno in la raago talada xukuumadda.""" https://www.bbc.com/somali/war-52245200 +politics Maxay tahay sababta dalalka Afrika ay u iibsanayaan drones-ka Turkiga? "Dowladaha Afrika ayaa si aad ah u iibsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee Turkiga lagu farsameeyo si ay ula dagaallamaan kooxaha hubaysan, kaddib markii la ogaaday in diyaaradahan ay muhiim u yihiin colaadaha kala duwan ee adduunka, sida uu qoray falanqeeyaha lagu magacaabo Paul Melly. Ka hor inta aysan Ukraine dalalka Reer Galbeedka siin hubka culus, waxaa jiray hal hub oo ay dowladda Kyiv u adeegsan jirtay iska difaacidda Ruushka, kaasi oo ahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2. Diyaaradahan ayaa markii ugu horreysay waxaa muhiimadooda iyo waxtarkooda ay soo ifbaxday dagaalkii Azerbaijan iyo Armenia, markaas oo ciidamada Azerbaijan ay adeegsadeen, isla markaana ay dib u soo ceshadeen dhul-ballaaran oo ku yaalla Nagorno-Karabakh 2020. Laakiin, dadka jecel diyaaradda kuma koobna bariga Yurub iyo Caucasus. Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa la arkayay shixnad ka mid ah Bayraktar TB2 oo la geeyay dalka Togo ee galbeedka Afrika, taas oo lagu xakameynayay soo gelitaanka dagaalyahannada jihaad-doonka ah ee ka soo qulqulaya koonfurta Burkina Faso. Halka bishii March, Niger ay heshay dhowr diyaarad oo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , si ay ugu adeegsato howlgalladeeda milatari ee ka dhanka ah kooxaha fallaagada ah ee gobolka Saaxil ee koonfurta saxaraha, iyo agagaarka harada Chad. Dalalka kale ee Afrika ee diyaaradahan iibsaday waxaa ku jira Itoobiya, Moroco iyo Tunisia, halka Angola ay sidoo kale muujisay rabitaankeeda ku aaddan diyaaradahan. Balse, goobtii ugu horreysay ee Afrika ee diyaaradahan laga adeegsado waxay ahayd Liibiya, halkaas oo dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay horraantii 2019 ay gacan ka siiyeen in ay fallaagada ka difaacaan caasimadda Tripoli. Dalalka Afrika, gaar ahaan dalalka saboolka ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa fursad u siinaya in ay horumariyaan awooddooda dhanka hawada, iyada oo aysan kharash badan uga bixin sida diyaaradaha kale ee dagaalka. Waxaa arrintaan ay soo jiidatay dalal kale sida Niger iyo Togo. Waxaa dalalkan ay wajahayaan caqabado adag oo ah in ay xakameeyaan kooxaha mintidiinta Islaamiga ah ee howdka ku jira, isla markaana adeegsada mootooyiinka, weerarrada gaadmada ahna ku qaada ciidamada. Weerarkii ugu horreeyay ee tooska ah ee Togo ee ka dhacay Sanloanga, wuxuu ahaa kii dhacay bishii November ee la soo dhaafay. Kadib waaberigii 11-kii Maarso, xoogag ka tirsan mintidiinta ayaa weerar ku qaaday fariisimo ciidan oo ku yaalla Kpék-pakandi, oo u dhow Burkina Faso, halkaas oo ay ku dhinteen 8 askari 13 kalena ay ku dhaawacmeen. Ciidamada ayaa iska caabbin kala hortagay, waxaana ay dileen kooxihii weerarka soo qaaday. Bishii xigtay ayay dowladdu soo saartay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay magaalada Savanes, ee gobolka waqooyi-bari ee Togo. Laakiin, taas kuma filna inay ka celiso mujaahidiinta hadda ka howlgala aagga xudduudda oo loo maleynayo inay xiriir la leeyihiin Jamaca Nusrat al-Islam wa al-Muslimin, oo ah isbaheysiga ugu weyn ee kooxaha islaamiyiinta hubeysan ee fadhigoodu uu yahay Mali. Labo askari ayaa lagu dilay dhacdo kale bishii Luulyo. Madaxweyne Faure Gnassingbe ayaa booqday aagga si uu u xoojiyo niyadda askarta. Laakiin, qaar ka tirsan dadka deegaanka oo ay arrintan saameyn ku yeelatay ayaa ka qaxayay tuulooyinkooda - waa dhacdo horay loogu arkay qaybaha kale ee Saaxil oo ay aafeeyeen rabshadaha xagjiriinta. Taliskii lagu tilmaami jiray in uu kali talis yahay ee xukumayay dalkaas tobannaan sano ayaa xitaa dareemay baahida loo qabo in uu ku martiqaado xisbiyada mucaaradka wadahadallo ku saabsan horumarinta istaraatiijiyad qaran oo midaysan si loola tacaalo khatarta xagjirka. Laakiin, ugu dambeyn, xoog militari oo toos ah ayaa door ka ciyaari doona. Taasina waa halka ay ka soo galaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, iyagoo siinaya Togo - si la mid ah Niger - oo leh awood-ilaalineed oo dhanka hawada ah si ay isugu dayaan inay ogaadaan kooxaha dagaalyahannada xagjirka ah ee laga yaabo, inay weeraraan. Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaan ku cusbayn gobolka Saaxil. Faransiiska iyo Mareykanka labaduba waxay ku leeyihiin Niger saldhigyo ay leeyihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, kuwaas oo ka shaqeeya taageerada istaraatiijiyadda amniga ee dowladda. Dalalka awoodda leh sida Itoobiya - oo ay dowladda federaalku la dagaallantay Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray - diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ahaa aalad qiimo leh oo lagu ballaariyo guud ahaan awoodda militariga. Laakiin, waxaa jira khataro ka dhalan kara adeegsiga diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaanno. Bishii Jannaayo, shaqaalaha gargaarka waxa ay soo tebiyeen in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku dileen in ka badan 300 oo rayid gobolka Tigray ee Itoobiya. Militariga dalka Togo waxay qirteen dilka 7 dhallinyaro rayid ahaa oo si kama’ ah u dhacay, kaddib markii diyaarad aan la ogeyn in ay tahay kuwa aan duuliyaha lahayn iyo in kale ay weerar ku qaadday koox mintidiin ah  9-kii ilaa 10-kii bishii Luulyo. Khatarta ka dhalan karta qaladaadkaas naxdinta leh ayaa sii kordhaya xilliyada ay kooxaha argagixisada ah dadka dhexdiisa ku milmaan. Togo iyo Niger labadaba iskaashiga saadka ee Turkiga ayaa sidoo kale faa'iido u leh siyaasad ahaan, maaddaama ay horay ugu tiirsanaayeen Faransiiska, oo ah awooddii hore ee gumeysan jirtay. Marka la eego aragtida Ankara waxaa sidoo kale jira waxyaabo soo-jiidasho leh, taas oo ah ""Diblomaasiyadda Drone-ka"" iyo iskaashiga milatari oo Turkiga u noqday qalab muhiim ah oo ku wajahan siyaasadda dibadda ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee koonfurta Sahara. Baykar, oo ah soo-saaraha Bayraktar TB2 Drone, waxaa madax u ah labo nin oo walaalo ah - madaxa fulinta Haluk Bayraktar iyo walaalkiis Selçuk, oo ah madaxa teknoolajiyada, oo la sheegay inuu guursaday gabadha Madaxweyne Erdogan ee Sumeyye." https://www.bbc.com/somali/articles/cgenernx1eno +health Gabar naafo noqotay oo ay dhakhaatiirta u sheegeen inaysan dhalayn oo riyadeedii ay u rumowday 2008-dii mar ay u safraysay halka ay reerkooda deggan yihiin si ay qoyskooda u soo aragto, ayey Muniba Mazari waxay dariishadda gaariga ay ku safraysay ka daawanaysay dhulka baadiyaha ee Pakistan. Waxay ku faraxsaneyd inay markale arki doonto walaalaheed oo ay kula dabbaaldegi doonaan dhalashadeeda 21-aad. Hasayeeshee rajadaas ayaa meesha ka baxday markii gaarigii ay saarneyd uu qalibmay oo uu ka dhacay kanaal wadada dhinaceeda ka qodnaa. Muniba ayaa markii ay indhaha kala qaadday waxa ay aragtay nin da’ ah oo si tartiib ah u haya madaxeeda. Miyirkeeda toos uma uusan joogin, dadka tuuladana waxa ay bilaabeen inay ka soo saaraan gaariga. Waxay gadaal ka saareen gaari, markaas ayeyna xaqiiqsatay heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray. Xanuunka haya ayey la oysay oo waxa ay tiri: “Lugahaygii ma dareemayee, aaway lugahaygii?” Markii la geeyay isbitaalka, ayey dhakhaatiirtii xaqiijiyeen wixii ay ka cabsanaysay, oo waxaa loo sheegay inay ka burburtay miskaha oo ay naafowday. Markaas kaddibna dhakhaatiirtu waxay Muniba ku sameeyeen dhowr qalliin. Markii ay u sheegeen in aanay u suurageli doonin inay uur qaaddo oo ay canug dhasho, ayey dareentay inaysan u oollin wax rajo ah: “Markaas ayey aheyd markii aan niyadjabay… Aad baan u ooyay,” ayey tiri. Hasayeeshee walaalaheed ayaa u keenay hadiyad badeshay nolosheeda: waa buug iyo qadda lagu dhigo farshaxanka. Muniba oo ka daashay eegmada darbiyada cad cad ee isbitaalka, ayaa bilowday inay sawirto waxkasta oo ay dareemaysay. Labadii sanadood ee markaas xigay ayey ku qaadatay sariirta isbitaalka, halkaas oo farshaxanku uu ahaa saaxiibka kaliya ee ay weheshanaysay. Iyadoo la socota dunida ka baxsan qolkeeda, ayey bilowday inay sawirto waddooyin mugdi ah iyo haween kaligood lugaynaya, si ay u soo bandhigto dareenkeeda xanuunka iyo kalinimada ah. Waxa ay sheegtay “sida kaliya ee aan dareenkaas ku soo gudbin karay ayaa aheyd inaan wax sawiro uun.” Kaddib laba sanadood oo ay saarneyd sariirta isbitaalka, ugu dambayntii waxay markeedii ugu horraysay ku fadhiisatay kursigeeda naafada. Waqti dheer ayey ku qaadatay inay aqbasho nolosheeda cusub hasayeeshee inay farshaxanka sii waddo ayaa rajo galisay. Waxay bilowday inay sawirrada ay sameyso ay galiso sariirta hoosteeda, si uusan u arag qofkale oo aan iyada ahyan. Hasayeeshee qoyskeeda ayaanan joojin taageerada ay siinayeen, oo walaalkeed ayaa mar u sheegay “Sawirrada halkan hoose kuma qarinaysidee, waxaad samaynaysaa kayd aad maalin uun ku soo bandhigi doontid shaqadaada.” Waxay aad u faraxday markii ay soo gaartay farriin ugu soo dhacday emailka oo lagu ogaysiinayo in la siin doono fursad ay ku soo bandhigi karto farshaxankeeda. Waxyar kaddib waxa ay bilowday inay sheegato shaqada ay qabato, iyadoo loollanka adag ee ay soo martay ku arkaysay sawirrada farshaxanka ah ee ay soo gudbiso. Waxa ay tiri “Farshaxankeyga [laga soo bilaabo waqtigaas] waxa uu I xasuusiyaa xilliyadii adkaa ee aan soo maray, balse sidoo kale waxay isoo xasuusiyaan waqtigii aanan ka quusan nafteyda” waxaana ku xirnay dadka daawada sawirradeeda. Waxyar kaddib mudadaas waxa ay bilowday in waxa ay soo martay ay uga hadasho fagaaraha ay dadka isugu yimaadaan, markii dambana waxa ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee ku socda gawaarida dadka naafada ah ee daadihiya barnaamijyada ka baxa taleefishinnada qaranka. Haatan dadku waxa ay ugu yeeraan gabadhii aan caadiga aheyn ee Pakistan, waxayna barnaamijyada ay qabato gaashaanka ugu daruurtaa waxyaabaha liddiga ku ah dadka naafada ah. “Markii aan ku fadhiyo gaarigayga naafada ee aan qabanayo barnaamijkeyga dabayaaqada todobaadka, waxaan ka fakaraa gabadha iyo wiilka yar, ee jooga deegaannada fogfog ee Pakistan, ee ku fadhiya gawaaridooda naafada ee fakaraya, waxaan qiyaastaa ‘inay samayn karaan waxa aan samaynayo, marka waynu samayn karnaa.” Muniba ayaa ugu dambeyntii waxaa u rumoowday rajadeedii aheyd inay hooyo noqoto, waa markii ay ku guulaysatay inay korsato wiilka ay soo qaadatay sanadkii 2011, kaas oo rajo wayn siinaya mustaqbalkeeda. “Waxaa jirtay maalmo aanan waxba eegan jirin, maantase markaan arko isagoo I hor taagan, waxaa igu soo dhacdo inaan haysto wax wayn oo aan mustaqbalka eegan karo,” ayey tiri Muniba. https://www.bbc.com/somali/articles/cw472np2ed3o +sports Ciyaaryahankii xulka Soomaaliya ee cunta kariyaha isu badelay "Muxyaddiin Cambar Khamiis oo ay da'diisu tahay 60-dameeyo wuxuu ahaa ciyaartooy hore oo kooxa badan oo dalka Soomaaliya ka jiray u soo ciyaaray kooxahaasi oo ay ka mid aheed xulkii qaranka xiligii nabdda. Haddana wuxuu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya isaga oo howlihi ciyaaraha iska joojiyey daruufo jiro awgood wuxuuna hadda noolal maalmeedkiisa uu ka raadsadaa cunta karinta iyada oo xafladaha sida aroosyada, martiqaadyada, iwm ah looga yeero si uu cuntooyinka ugu kariyo. Muxayaddiin oo u warramay BBC-da ayaa wuxuu uga warbixiyey waayihiisa noolaleed ee ciyaaraha iyo xaaladda uu hadda ku sugan yahay. Waxaanna uu Muxyaddiin sheegay ""inuu ciyaaraha uu ku billaabay naadiga Waxool oo loo yaqaannay wasaaradda xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa sanadka markuu ahaa 1977-kii, 1978-kiina uu ka mid noqday xulki loo xulayey gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, xilligaasina ay galeen kaalinti labaad ee ciyaarihi gobollada ."" ""1980-kiina waxaaan ka mid noqday xulkii qaranka Soomaaliyeed oo markaa tababara ay noo ahaayeen macallin Jarmal ah iyo allaha u naxariistee Macallin Cumar Canjeeste, 1980-kii haddana waxaan ka mid noqday oo dib la iigu soo celiyey kooxda xulka qaranka ee Junior-ka oo aan kabtan ka noqday kuna guuleysannay koobka loo dhigay bariga iyo bartmaha Afrika"" ayuu yiri. Muxyaddiin Cambar Khamiis isaga oo ka mid ah xulka qaranka ee Soomaaliya wuxuu ka soo ciyaaray tartamo caalami ah oo lagu soo qabtay waddamo badan. Tartannada caalamiga ah uu ka qayb galay isaga oo dalkiisa matalaya wuxuuna Muxyaddiin uu ka dhaxlay magac iyo sumcad aad u weyn inuu ku yeesha dalka gudahiisa balse, nasiib darro waxaa riyooyinkiisa kala dhantaalay dagaalladi sokeeya ee dalka Soomaaliya ka dhacay wuxuuna u soo qaxay dalka Kenya oo Soomaali badan oo qoxooti ah ay ku sugan yihiin. Hadda wuxuu Cambar uu ku nool yahay xaafadda islii ee magaalada Nairobi wuxuuna noolashiisa uu ka soo saartaa shaqo wakhtigu baday. ""Hadda waxaan qabtaa oo aan noolasheyda ka soo saartaa aroosyada oo aan cuntada u kariyaa, xirfaddaasina waxaan bartay markii uu burburku dhacay danta ayaana i bartay"" ayuu yiri Muxyaddiin. Maxammed Cali wuxuu ka mid yahay dadka Cambar cunta karinta ugu yeertay, wuxuuna BBC-da u sheegay in Cambar ciyaartooy hore lagu xushmeeyo shaqadiisa. ""Laba siyaaboodba magac ayuu ku leeyahay Cambar markiisa hore wuxuu ahaa nin magacweyn ku leh dhinaca Isboortiska aadna looga yaqaanno, sida oo kale xafladaha waaweyn ee ka dhaca magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii waa ninka ugu magacaweyn oo kariyo cuntooyinka"" ayuu yiri Maxammed. Muxyaddiin Cambar Khamiis isaga oo aad u qiireysan wuxuu si weyn uu iisu barbar dhigay sumacadda iyo qaddarinta uu dalkiisu ku haystay bari samaadka oo dalkiisa ciyaartooyga ka ahaa iyo xaalka sida uu maanta yahay. ""Noolashaas iyo noolasha hadda wax isku mid ma aha nin dowlad iyo qaran lahaa iyo nin maanta qaranka ka dumay oo xilli dalka uu nabadda ahaa baska aan saaranahay calan ayaa ka hor babban jiray moota tirafik saran yahay ayaa I horsocon jirtay xataa la iima oggoleyn inaan keligeey socdo markaan dibadaha imaanno waan nala waardiyeyn jiray waa nala hoggaamin jiray."" ""Balse maanta waxaan ahay nin dalkiisi uu burburay dadkiisana daafaha dunida u kala cararay isku mid ma aha runti"" ayuu yiri Camber. Inkasta oo Muxyaddiin Cambar Khamiis uu sheegay inuu muddo qoxooti ku soo ahaa dalka Kenya iyo noolasha adag haddana wuxuu sheegayaa inuusan rajadiisa hoos u dhigin oo uu rajeeynayo inuu markale arko Soomaaliya oo sideedi hore ku soo noqota. ""Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu ilaahey Soomaaliya iisu keeno oo sida aan ahaan jirnay iyo si ka sii fiican aan noqonno, waxaanna qabaa mar haddii ay soo noqoto rajada in sidi hore la iska jeclaan doonaan maadamaa ay soo arkeen qurbo waxa uu yahay iyo inuu dal shisheeya ku anfaceyn intaba ayuu yiri Muxyaddiin Cambar Khamiis." https://www.bbc.com/somali/war-48004974 +politics Ra'iisal wasaare Rooble: Wax khilaaf ah nama dhexyaallo Madaxweyne Farmaajo oo heshiis ayaan nahay "Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo la hadlay ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Nairobi ayaa meesha ka saaray in khilaaf uu kala dhexeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Horraantii bishan ayay ahayd markii ay warqado u muuqdo kuwo la isugu jawaabayo ay ka soo kala baxeen xafiisyada madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha, arrintaas oo dhalisay tuhun ah in labada mas'uul uu khilaaf soo kala dhexgalay. ""Heshiis ayaan nahay, dalkaas haddaan heshiis la ahayn ma soconayo oo qar ayuu ka sii dhacayaa. Anniga iyo madaxweynaha waxaa naga go'an in dalkaas aan gaarsiinno doorasho annaga oo wada soconna, si nabad ah, oo xasillooni ku jirto oo isfahan ku jiro. Wax caqabad ah ama wax khilaaf ah ma jiro,"" ayuu yiri ra'iisal wasaare Rooble. Madaxweyne Farmaajo ayaa digreeto uu soo saaray ku sheegay in hay'adaha dowladda aysan geli karin heshiisyo masiiri ah maaddaama uu dalka galay xaalad doorasho. Wareegtada madaxweynaha ayaa ku soo beegantay xilli Muqdisho ay ku soo wajahneyd wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya, Raychelle Omamo. Maalmo kadibna, ra'iisal wasaare Rooble ayaa u safray Kenya si uu wadahadal ku aaddan xiriirka labada dal ula yeesho madaxweyne Uhuru Kenyatta. Safarka Rooble ayaa dhaliyay in dadka qaar ay ku eedeeyaan in uu heshiis ku aaddan arrimaha khaadka iyo muranka badda uu la geli rabo Kenya. Ra'iisal wasaaraha ayaa si cad u beeniyay in uu wax heshiis ah la galay Kenya. ""Waxaan idiin sheegayaa halkan in aan wax saxiixo uma iman. Waxaan kale oo rabaa in shacabka Soomaaliyeed aan u sheego in dhulka, cirka iyo badda Soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan. Maanta iyo berri toona igama fileysaan in aan ka hadlo arrinta badda ee taalla maxkamadda Hague oo aan dhawaan ka sugeyno jawaabta,"" ayuu sheegay ra'iisal wasaaraha. Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sanadkii u dambeeyay gaaray meel hoose, waxaana labada dal ay kala qaateen safaaradaha. Soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay inay faro-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha, gaar ahaan maamul goboleedka Jubaland. Askarta Kenya ee ka tirsan AMISOM ayaa ku sugan deegaanno Jubaland ah, gaar ahaan magaalo xeebeedka Kismaayo. Kenya ayaa beenisay eedeyntaas, waxaana ay marar badan ku celcelisay in Soomaaliya ay qaadan rabto qeyb kamid ah baddeeda. Labada waddan ayaa waxaa u dhexeeya muran ku aaddan xuduud badeedka Badweynta Hindiya, waxaana kiiskooda uu hadda horyaallaa maxkamadda cadaallada ee caalamiga ah (ICJ). Soomaaliya waxaa hadda ka socda doorashada xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka, waxaana lagu wadaa in dowladda iman doonta doorashada kaddib ay u taallo arrinta badda. Kenya ayaa doonaysa in muranka badda lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda, arrintaas oo ay diiddan tahay xukuumadda Muqdisho. Safarka Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa ka dambeyay ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo, ay booqosho ku tagtay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kula kalantay mas'uuliyiin uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka arrimaha dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo ka socotay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata. Labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya oo ah kuwa deris ah oo ay ka dhexeeyaan dano badan, waxay hoggaamiyeyaashooda ka wadahdalayaan arrimo ay ka mid yihiin diblomaasiyadda, amniga iyo arrimaha dhaqaalaha. Xukuumadda Soomaaliya waxay meesha ka saartay in waxyaabaha laga wadahadlayo ay ku jirto arrinta Muranka Badda ee ka dhaxeeya labada dal maadaama go'aanka muranka badda weli laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada. Dadka sida dhow ula socda khilaafaadka labada dal ayaa qabo in socdaalka Ra'iisul Wasaare Rooble ee Kenya, uu labada dal uga dhiganyahay tallaabo wanaagsan oo rajo galinaysa, si gaar ah ganacasatada Kenya gaar ahaan kuwa jaadka oo uu saameeyay xiriirka xumaaday ee labada dal. ganacsatada Jaadka ee Kenya ayuu dhaqaale badan ka soo gali jiray jaadkii ay u dhoofin jireen Soomaaliya. Sidoo kale, safarkan wuxuu hormar u noqonayaa dhanka diblumaasiyadda iyo soo celinta xiriirka labada dowladood, waxayna taas ku xiran tahay arrimaha ay ku heshiiyaan iyo dhaqan galkooda, sida uu qabo Daahir Qoriyow oo ka faallooda arrimaha siyaasadda. ""Socdaalkan wuxuu uga dhiganyahay dowladda Kenya iyo waliba shacabkeeda in xiriirkii labada wadan la soo celinayo,"" waxaa sidaasi yiri Daahir Qoriyow Isaaq oo la hadlayay BBC Somali. Dhanka Soomaaliya, ""waxaa jirto rajo wayn oo laga qabo in socdaalka Rooble uu waxbadan ku soo celiyo sidii ay ahaan jireen khilaafka ka hor."" Si gaar ah arrimaha socdaalka iyo dal ku galka Kenya oo dadka ay intooda badan ka qaadan jireen safaaradda Kenya ee Muqdisho oo shalay dib loo furay. Safarka ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa imaanaya xilli uu soo muuqday khilaaf u dhaxeyn kara isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Dad badan oo siyaasadda ka faallooda waxay aaminsan yihiin in War-Murtiyeedkii dhawaan ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada uu saameyn ku yeelan karo haddii Rooble iyo Uhuru ay heshiis gaaraan, sababtoo ah warka ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu farayay xukuumadda in aysan wax heshiis ama is af-garad la gelin karin dowlad, hay'addo iyo shirkado caalami ah, inta lagu guda jiro howlaha doorashada. Qayb ka mid ah qoraalka ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ayaa sidaan u qornaa: ""Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay'adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka"". Iyadoo warkaas uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo, haddana saacado ka dib ayuu ra'iisul Wasaare Rooble isana soo saaray War-saxaafadeed u muuqday in looga jawaabayay midkii Villa Somalia. Waxaa lagu yiri qoralka Rooble: ""Isaga oo garawsan in aanay Soomaaliya wax dan ahi ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale, wuxuu dedaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan sinnaan la yeelato dalalka muhiimka u ah"". ""Wuxuu socdaal ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidaas oo kale wuxuu wadahadallo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta, kuwaas oo uu inagala dhaxeeyaan xiriirro dibliomaasiyadeed, amni, ganacsi, waxbarasho, ama marti galiya qaxooti iyo dad Soomaaliyeed oo deganaansho ku leh, kuwaas oo ay mas'uuliyad ka saarantahay Dawladda Soomaaliya"". Labadaas aragti ee is diidan ee ka soo kala baxay Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaarihiisa ayaa loo arkaa in ay caqabad ku noqon karto heshiis ama is-afgarad uu Rooblke la gaaro Kenya. Balse xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in arrimaha badda aan laga wadahadli doonin. Waxaase dadka falanqeeya arrimahaan ay sheegayaan in haddiba heshiis uu Ra'iisul Wasaare Rooble la gaaro Kenya, ""laga yaabo inuu mariyo Golaha Wasiirada maadama uu baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday."" Inkasta oo arrintaa aan la saadaali karin sida ay u dhici doonto haddana waxaa la muujinayaa ""in ay adkaan doonto sidii loo hirgalin lahaa fulinta wixii heshiis ah oo hadda la gaaro."" ""Maadama xukuumadda hadda jirto ay xil gaarsiin tahay horta ma wacneyn in hadda go'aamo la gaaro, sababtoo ah madaxweynaha soo socda ayay saameyn ku yeelanaysaa, marka hirgalinta waxaa laga yaabaa inuu Ra'iisul wasaaruhu horgeeyo oo uu mariyo Golaha Wasiirad,"" ayuu yiri Daahir Qoriyow." https://www.bbc.com/somali/war-58182176 +entertainment Armaan Malik: Maxaad ka taqaannaa Amiirka jacaylka iyo sida uu ku hantay taageerada caalamka? "Armaan Malik taageerayaashiisa Bollywood-ka waxay ku naaneysaan ""amiirka Jacaylka"". Fannaankan 25 jirka ah oo shaashadaha caalamka ay ka daawadaan dad lagu qiyaaso in ka badan labo bilyan, barahiisa bulshadana ay ku taxan yihiin 17 milyan oo ruux, wuxuu qaadaa heeso uu kula tartami karo Justin Bieber ama Ariana Grande. Waxaaba lagu tilmaami karaa Amiirka heesaha Pop-ka ee Hindiya. Malik oo ka dhashay qoys taariikh ku dhex leh Bollywood-ka wuxuu fannaanimadiisa soo billaabay xilli uu aad u da' yaraa, isagoo guriga ku dhageysan jiray heesaha uu sameyn jiray aabihiis, Daboo Malik, oo caan ku ah qorista heesaha. ""Aabbeheey mar walba heesaha wuxuu ku daari jiray guriga dhexdiisa, ayuu yidhi isagoo sharraxaya qaabkii ay xirfaddiisa ku billaabatay. ""Waxaan ku dhex noolaa guri muusig ka sameysan! Mararka qaar waxaan ku heesi jirnay miiska cashada dushiisa, mararka qaarna intaan baxno ayaan soo duubi jirnay heeso."" Isagoo aad u da' yar ayuu go'aansaday in uusan raacin raadka aabihiis ee qoritaanka heesaha kaliya ah, balse uu noqdo qoraaga heesaha sidoo kalena fannaan ku luuqeeya ah. ""Waxaan ku fikiri jiray in aanan ku ekaanin qorista heesaha kaliya, aniga sidaas dookheyga ma ahayn. Waxaan doonayay inaan noqdo fannaankii ugu horreeyay ee qoyskeenna uu yeesho."" Malik wuxuu ku luuqeynta heesaha billaabay isagoo siddeed jir ah, wuxuuna caan noqday hal sano kaddib, markaasoo uu fursad u helay ka qeyb galka tartan xirfadaha lagu soo bandhigo. Tartankaas Malik wuxuu ka galay kaalinta siddeedaad, waxaana u soo baxday in ay wali hor taallo shaqo badan oo horumarinta xirfaddiisa ah. ""Waxaan halkaas ku ogaaday in la iga doonayo inaan noqdo fannaan ka fiican sida aan ahaa,"" ayuu yidhi. Wuxuu sidoo kale qiray in waqtigaas uusan kalsooni badan isku qabi jirin marka uu masraxa taagan yahay. Markii ay da'diisa ahayd 18 sano, Malik wuxuu ku biiray fannaaniinta qaada heesaha filimada lagu duubo. Heesaha uu duubo ayaa la dul saari jiray atooreyaasha filimada jila, iyagoo ku matalaya inay codkooda ku qaadayaan. Heesta lagu magacaabo Tumko Toh Aana Hi Tha, oo ku jirta filimka Hidniga ah ee Jai Ho, waxaa qoray walaalkiis Amaal waxaana ku luuqeeyay Armaan. Waxay heestaas u horseedday horumar ballaaran. ""Taasi waxay ahayd tallaabadeydii ugu fiicneyd,"" ayuu yidhi Malik. ""Markaas ayey billaabatay xirfaddeyda fannaanimo."" Tan iyo xilligaas wuxuu kasoo muuqday in ka badan 200 oo bandhig oo ka kala dhacay dunida qeybaheeda kala duwan. Wuxuu noqday fannaankii ugu da'da yaraa Hindiya ee abid hees ka qaada fagaaraha Wembley ee magaalada London. Waxaa layaab leh in uu ku heesi karo in ka badan 10 luuqadood oo kala duwan - inkastoo xaqiiqdii uu ku hadlo labo luuqadood kaliya, oo kala ah Hindiga iyo Ingiriiska. Waxaa la weydiiyay sida ay suuragal ku noqotay in qof labo luuqadood oo kaliya ku hadla uu ku heeso in ka badan 10 luuqadood. ""Ma garanayo,"" ayuu ku jawaabay. ""Ku heesidda luuqadaha kale waxaan billaabay anigoo sagaal jir ah. Qofkii duubayay hees aan sameyneynay ayaa i weydiiyay inaan erayada oo luqad kale ah isla sidaas ugu heesi karo. Wuu ii daaray erayada anigana islamarkiiba waan ka daba dhahay, si fiican ayeyna usoo baxday."" Heesaha ugu caansan ee uu Malik qaaday waxaa ka mid ah Bol Do Na Zara, Main Hoon Hero Tera oo af Hindi ah iyo heesta Butta Bomma, oo af Telugu ah, taasoo ilaa hadda Youtube lagu daawaday in ka badan 465 milyan oo jeer. Malik oo ka tirsan fannaaniinta Bollywood-ka wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in ku heesitaanka luuqadda ingiriiska uu yahay dookhiisa dhabta ah. Markii uu soo korayay wuxuu jeclaa inuu dhageysto heesaha fannaaniinta Bruno Mars, Michael Bublé, Frank Sinatra, Chris Brown iyo fannaaniin badan oo ku heesa ingiriiska. Laakiin wuxuu sheegay in uu wax badan ka faa'iiday fannaanka reer Mareykan ee lagu magacaabo John Mayer. Fannaanka reer UK ee lagu magacaabo Jay Sean, oo asal ahaan kasoo jeeda Hindiya, ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay xirfadda Malik, maadaama uu ku dayan jiray. Sanadkii 2011-kii, Malik wuxuu heshay deeq bilaash ah oo uu uga qeyb galay barnaamij Muusig ah oo ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareykanka, kaasoo uu heer aad u wanaagsan ku dhammeeyay. Wuxuu barnaamijkaas u noqday tallaabo kale oo xirfaddiisa horumarisay. ""Markii aan kasoo noqday barnaamijkaa Berklee, waxaan u sheegay aabbeheey inaan jeclahay sii wadista heesaha Ingiriiska, si aan taariikh cusub uga dhigo heesaha pop-ka,"" ayuu yidhi. Markii hore, aabbihiis wuu kasoo horjeeday fikraddaas, isagoo Malik u sheegayay in heesaha Ingiriiska aysan suuq fiican ka lahayn gudaha Hindiya. Xilligaas Malik wuxuu qaatay taladii aabihiis, laakiin hadda wuxuu heesihiisa u weeciyay dhinaca pop-ka, aad ayaana loola dhacsan yahay. Sanadkan ayuu soo saaray saddexdiisii heesood ee ugu horreysay ee luuqadda ingiriiska ah. Waxaa ka mid aheesta uu ku magacaabay ""How Many"". Wuxuu heestaas uga hadlayaa Inta jeer ee qofka uu ku guul darreysanayo xiriirka jacaylka. Marka laga soo tago in uu fannaan yahay, Malik sidoo kale waa atoore codadka saara filimada loo baddalayo luuqadda Hindiga." https://www.bbc.com/somali/war-55365227 +entertainment Priyanka Chopra oo eedeyn kala kulantay farriin ay ciidanka Hindiya ku taageertay "Atariisho u dhalatay Hindiya, Priyanka Chopra ayaa lagu dhalleeceeyay in ay dagaal dhiiragelineyso ka dib markii ay Twitter-ka ku qortay in a taageereyso militariga Hindiya xilli xiisadda Pakistan kala dhexeysay ay cirka isku sii shareereysay. Haweeney haysata dhalaashada Mareykanka, asal ahaanna ka soo jeeda Pakistan ayaa ku tilmaamtay Chopra ""munaafaq"", taas oo ka qeybgaliysay shirka quruxda ee Chopra lagu martiqaaday ee ka dhacay Los Angles. Atariishada ayaa Bishii February qortay: ""Jai Hind #IndianArmedForces"", Taas oo micneheedu yahay Hindiya Ha Noolaato. Xilligaas, dalka deriska la ah ee Nukliyerka haysta waxaa Hindiya kala dhexeeyay xiisad si degdeg ah u sii xumaaneysay oo daandaansi militari uu qeyb ka ahaa. Dhammadkii isbuucii tagay, Chopra oo saaran masraxa Beautycon, oo ah shir bandhig, ayey haweeneyda Amerikaanka ah ee asal ahaan ka soo jeeda Pakistan, Ayesha Malik oo qeyb ka ahayd dhageystayaasha ay su'aal ka weydiisay arrintaas. ""Waxay la mid tahay in ay wax adag tahay in la dhageysto adiga oo ka hadlaya bini-aadamnimo, sababtoo ah, deris ahaan, Pakistani ahaan, waan ogahay in xoogaa munaafaqnimo kaa muuqato,"" ayey tiri Ayesha Malik, taas oo muuqaalka arrintaas ku daabacday boggeeda Twitter-ka. Waxay soo qaadatay farriintii Chopra ee bishii February waxayna tiri: ""Waxaa tahay safiirka UNICEF ee nabadda, waxaadna dhiiragelineysaa dagaal nukliyer oo ka dhan ah Pakistan. Qofna kuma guuleysanayo taa."" ka dib mikrafoonka ayaa laga qaaday Ms Malik si aysan hadalka usii wadin. Chopra, oo UNICEF u ahayd safiirka wanaagga tan iyo 2016kii, ayaa ku jawaabtay in saaxiibo badan oo reer Pakistan ah ay leedahay, aysanna jecleyn dagaal balse ay ahayd wadaniyad. Xiriirka u dhexeeya Pakistan iyo Hindiya ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd muddo sannado ah, ka dib markii ku dhowaad 40 sakeri oo Hindi ah lagu dilay weerar ka dhacay Kashmiirta ay Hindiya maamusho oo ay sheegteen koox fadhigeedu yahay Pakistan. Farriinta Twitter-ka ee Chopra waxay ku soo aaday xilli ay Hindiya bilowday duqeyn ay ka fulisay dhulka Pakistan - taas oo sababtay in Pakistan ay weerar celin sameyso. Chopra waxay ka jawaabtay eedeynta, waxayna weerartay sida ay Ms Malik u hadashay. ""Hadaba, Waxaan leeyahay saaxiibo aad iyo aad u badan oo Pakistan u dhashay, anigana Hindi baan ahay, dagaalna ma ahan wax aan jeclahay, balse wadani baan ahay. Marka waan ka xumahay haddii aan niyad jebiyay dad i jecel iyo kuwo hoprey ii jeclaa, balse waxay ila tahay in dhammaanteen uu naga dhexeeyo heer aan isku fahmi karno, sida adiga hadda aad sameysay,"" ayey tiri. ""Gabareey, ha buuqin,"" ayey hadalka ku dartay Chopra. ""Dhammaanteen halkan waxaan u joognaa jaceyl. Ha qeylin. Naftaada ha ceebeyn. Dhammaanteen waxaa inaga dhexeeyo is afgarad, laakiin waad ku mahadsantahay xamaasadda, su'aashaada iyo codkarnimada."" Ms Malik waxay dhacdadaas ka dib Twitter-ka ku sheegtay in jawaabta Priyanka Chopra ay tahay ""xumeyn"" iyo in iyadu ay ka dhigtay ""qofka xun""." https://www.bbc.com/somali/war-49329905 +business Maxaad ka ogtahay marinnada tahriibka ugu halista badan adduunka? "Labo masiibo oo dhimasho sababtay ayaa saameysay dadka isku dayaya inay ka gudbaan xuduudaha caalamiga ah. Jimcihii, ugu yaraan 23 qof ayaa dhintay ka dib markii dad aad u tiro badan ay isku dayeen inay ka gudbaan xayndaabka soohdinta Morocco si ay u galaan marinka Melilla ee Waqooyiga Afrika waxayna doonayeen inay u tallaabaan dhinaca Spain. Saddex maalmood ka dib, booliska magaalada San Antonio ee dalka Maraykanka ayaa ugu yaraan 46 qof ka dhex helay gaari xamuul ah oo goob looga tagey. Khuburrada ayaa ka digaya in arrintani ay horseeedi karto inay dhimasho hor leh sababto. Hay'adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobey (IOM), ayaa ku qiyaastay tan iyo 2014 ku dhawaad ​​50,000 oo muhaajiriin ah inay dhinteen ama la waayay iyagoo isku dayaya inay gaaraan meelo ay ka mid yihiin Mareykanka ama Midowga Yurub. Hay'addu waxay aaminsan tahay in tirada dhabta ah ee dhintay iyo kuwa la la'yahay ay intaas ka badan karaan. Haddaba, maxay kala yihiin goobaha ugu halista badan adduunka ay maraan dadka tahriibaya? Bartamaha Mediterranean-ka Sida laga soo xigtay hay’adda IOM, tani waa marinka ugu dhimashada badan adduunka ay maraan dadka tahriibaya. Waxaa lagu qiyaasaa in in ka badan 19,500 oo qof ay ku dhinteen xilli ay isku dayayeen inay ka tallaaban badda Mediterranean-ka ilaa 2014-kii. Muhaajiriinta halkan ka gudba ayaa raacaa doomo la isku rakibay iyo kuwa ciriiri ah oo sida doomaha cinjirka laga sameeyay kuwaas oo safarka ka dhiga mid halis ah oo sababi kara dhimasho. Doomahan waxaa inta badan kaxeeyaa kooxo dambilayaal ah oo dadka tahriibiya. Dalalka Tuunisiya iyo Liibiya ayaa kamid ah meelaha ay ka baxaan dadka muhaajiriinta ah ee doonaya inay gaaraan Yurub iyagoo sii maraya marinka dhexe ee badda Mediterranean-ka, xitaa waxaa jiraa qabuuro loo sii diyaariyay dadka qaraqmay badda. “Marka aan xabaalahan, aad baan u naxaa” ayay tiri Vicky oo ah gabadh tahriibeysay oo kasoo jeedo Nigeria oo rajeyneysay inay ka dhaqaaqdo Tunisia xilli ay u warrameysay wakaaladda wararka ee AFP. Waxay intaa ku dartay, “Marka aan arko qabuurahan, waxaa shaki iga galayaa in aan maro marinkan” ""Tagitaanka muhaajiriinta ee bartamaha Mediterranean-ka ayaa sii socda. Waxa walaaca ugu badan leh waa tirada badan ee dhimashada ee joogtada ah ee marinka ugu halista badan ee adduunka. Nolol badan ayaa marinka sii gaalaafanaya iyada oo aysan jirin tallaabo la taaban karo oo ay qaadeen dowladuha,"" ayay tiri Safa Msehli, oo ah afhayeen u hadashay IOM. Frontex, Hay'adda Ilaalada Xeebaha iyo Xuduudaha Yurub, ayaa ku warameysa in ku dhawaad ​​300,000 oo qof la badbaadiyay iyagoo isku dayaya inay wadadan adeegsadaan tan iyo 2015kii. Waddooyinka mara gudaha Afrika Qaar badan oo muhaajiriin Afrikaan ah, riyada ah inay gaaraan Yurub waxay ku bilaabataa safar ay ku maraan qaaraddooda oo inta badan ku lug leh inay ka gudbaan dhulka Saxaraha oo ay u sii maraan dalalka Waqooyiga Afrika. Halista ugu weyn ayaa xaaladaha ka jira deegaanka, IOM waxay ku qiyaastay in marinka Saxaraha ay ku dhinteen 5,400 qof intii u dhexeysay 2014 iyo 2022. Saxaraha dhexdiisa waxaad ku arkaysaa dad ku dhimanaya, oo aan awood laheyn ayaa halkaa ku dhintay, iyagoo harraad u dhimanaya maadama ay biyihii ka dhammaadeen,” ayuu yiri Cabdullah Ibrahim, oo kamid ah tahriibayaasha xilli uu la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP. Tahriibayaasha waxay sidoo kale dhibaato kala kulmaaan kooxaha wax tahriibiya. Xudduuda Mareykanka iyo Mexico Xadka u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico ayaa ah meelaha muhaajiriinta ay caqabadda kala kulmaan: gobolku waxa uu caan ku yahay dhul aan isku dhaweyn, oo ay ku jiraan gobollada saxaraha ah, muhaajiriinta ayaa inta badan isku daya in ay uga gudbaan Mareykanka iyaga oo sii mara wabiga Rio Grande ee halista ah kaas oo mara qayb ka mid ah xudduudaha dalalkaas. Muhaajiriinta qaar ayaa ku halkaa ku dhinta, waana sababaha ugu waaweyn ee sababa dhimashada muhaajiriinta, iyadoo hay’adda IOM ay sheegtay in ka badan 3,000 oo qof ay ku dhinteen halkaas tan iyo sanadkii 2014-kii. Bishii Disembar 2021, 56 muhaajiriin ah ayaa ku dhintay Chiapas, Mexico ka dib markii uu shil galay gaarigii ay la socdeen. “Hay’adda IOM waxay ka walaacsan tahay halista ay wajahayaan tahriibayaasha soo marayaa Latin Amerika si ay u gaaraan Mareykanka” ayay tiri Safa Msehli. Marinnada qaaradda Aasiya In ka badan afar kamid ah toban-kii muhaajiriinta adduunka waxay ku dhasheen qaaradda Aasiya sanadkii 2020-ka, sida ay sheegtay Qamada Midoobey. Qaaraddan waxaa ku yaalla dhowr waddo oo ay maraan dadka tahriibaya. Sida laga soo xigtay hay'adda Qaramada Midoobay, ku dhawaad ​​5,000 qof oo tahriibayay ayaa ku dhintay ama la la'yahay Aasiya 8-dii sano ee la soo dhaafay. Dadkaas waxay intooda badan ahaayeen muhaajiriinta Rohingya iyo dadka kasoo tahriibayay Bangaladesh, waxay adeegsanayeen waddooyinka mara badda gaar ahaan jasiiradaha Bengal iyo badda Andaman si ay u gaaraan dalalka deriska ama Yurub. “Aad baan u gaajoonay, ma aanan heysan biyo aan cabno, cunto ma aanan heysan, muddo bil ah ayaan badda ku dhex jirnay” ayuu yiri Maxamed Ilyaas oo 37 jir ah oo kamid ahaa qaxootigii Rohingya xilli uu warramayay AFP, waxaana soo badbaadiyay ciidamada badda Hindiya kadib markii ay cilad ku timid doon ay saarnaayeen. Meelaha kale ay muhaajiriinta halista kala kulmaan waxaa kamid ah xudduuda Turkiga iyo Iran, waxaana halkaas kasoo gudbayay muhaajiriin badan oo kasoo cararay Afghanistan markii ay Daalibaan la wareegeen halkaas. Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan 2 milyan oo kasoo Afgaanistaan ​ ay qaxooti ahaan uga diiwaangashan yihiin Iran iyo dalalka ku xeeran." https://www.bbc.com/somali/articles/cw83lw7xxnno +sports Liverpool oo ku tilmaantay wax aan la qaadan karin habkii ay u damaashaadeen taageerayaasheedu "Kooxda Liverpool ayaa cambaaraysay hab-dhaqanka qaar ka mid ah taageerayaasheeda oo iskugu soo baxay badhtamaha magaalada markii kooxdu ku guulaysatay horyaalka Ingiriiska, waxaanay kooxdu falalka taageerayaashaa ku tilmaantay ""wax aan la qaadan karin"". Kumanaan taageerayaasha kooxda ah ayaa dab ka oogay badhtamaha magaalada rashna ridayey iyagoo u damaashaadaya guusha ay kooxdu ku hanatay koobka muddo soddon sano ah ka dib, waxaanay arintaasi keentay in kooxaha dabdemisku dabkii ay shideen bakhtiiyaan. Duqa magaalada Liverpool, Joe Anderson, ayaa sheegay in wixii dhacay ""sumcad darro ku yahay magaalada iyo kooxda kubadda cagta ee Liverpool labadaba"". Soddon sano ka dib kooxda liverpool waa horyaalka koobka ingriiska Jarmalka oo billaabay kubad aysan daawaneyn taageerayaal Mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda Manchester United 'oo dambi galay' Kooxda Liverpool ayaa warbixin ay si wada jir ah u soo saareen iyada booliska magaalada iyo dawladda hoose ku tidhi ""magaaladeena waxa haysta duruufo caafimaad falalka noocaas ahina waa wax aan la qaadan karin"". Warbixintu waxay intaa ku dartay ""weli waxa jirta halis ah in uu fayraska korona soo laba kaclayn karo oo uu jiro waxaana dhamaanteen ina wada saaran in aynu u dhaqano si aynaan u dhaawicin guulihii lagu gaadhay xayiraadaha caafimaad. Marka duruufuhu saamaxaan ayaan qaban qaabin doonnaa fantasiye dadkoo dhami ka qayb geli doonaan"". Damb demiska magaalada ayaa sheegay in ay bakhtiiyeen dab laga shiday dabaqa koobaad ee dhismaha magaalada astaanta u ah ee Liver Building la yidhaa, hase yeeshaa aan cidina waxba ku noqon. Habeenkii Jimcihii ayey ahayd markii ay taageerayaasha kooxda Liverpool iskugu soo baxeen damaashaadka guusha ay kooxdu ku hanatay horyaalnimada Ingiriiska oo ay muddo dheer sugaysay. Duqa magaalada, Joe Anderson, ayaa sheegay in uu fahmi karo dareenka xamaasadeed ee galay taageerayaasha habeenkii koobaad oo la odhan karo waxa uu ahaa isku soo bax jibbo keentay, laakiin waxa uu sheegay inuu cambaaraynayo in dad badani isku soo baxaan habeenkii labaad oo ay taasi tahay badheedh. Waxaanu intaa ku daray in taageerayaashu khamri fuudayeen iyaga oo damaashaadaya arintaasina tahay wax aan laga ogolayn magaalada." https://www.bbc.com/somali/53209112 +sports Yaa uu ahaa James Le Mesurier ninkii Koofiyad Cadda taageeri jiray ee maydkiisa Turkiga laga helay "Sarkaal hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Ingiriiska oo ay abaal marin ku siisay Boqoraddu shaqada uu la waday ururka Koofiyad Cadda Suuriya ee gargaarka degdegga ah ayaa maydkiisa laga helay meel u dhow xafiis uu ku lahaa Istanbul. Xog BBC-du ka heshay ururka Koofiyad Cadda ayaa tibaaxday in maydka James Le Mesurier oo la siiyey billadda OBE sannadkii 2016-kii la helay waaberigii Isniintii. Maxaa Turkiga, Ruushka iyo Suuriya ka dhigay isku aragti? Muxuu Turkigu ugu duulay waqooyiga Suuriya? Le Mesurier wuxuu u dhisay qaybta gurmadka degdegga ah waxaanu tabobari jiray shaqaalaha tabarucaadka ku saqeeya ee ururka Koofiyad Cadda. Waxa dilay lama garan isla markiiba. sida uu sheegay ururka Koofiyad Caddu, maydka Le Mesurier waxa laga helay abaaro 04:30 waaberigii wado hore marta dhisme uu ku yaal xafiiska qaybta gargaarka degdegga ah. Le Mesurier, wuxu sidoo kale u shaqayn jiray Qaramada Midoobay waxaana la rumaysnaa in uu isagu aasaasay ururk Koofiyad Cadda. Ururkaasi wuxu gurmad u fidiyaa dadka rayidka ah ee wax ku noqda goobaha dagaalladu ka socdaan ee ay gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda Madaxweyne Bashar Al-Assad. Sannadkii 2016-kii ayaa ururku wuxuu abaal marinta Right Livelihood ka ku qaatay ""geesinimadooda, naxariisa iyo damqashada aadamenimo ee ay ugu gurmadaan rayidka"". Isla sannadkaa dabayaaqadiisii ayaa ururka waxa loo magacaabay inuu ka mid yahay cidda mudan in la siiyo abaal marinta nabadda ee Nobel. Laakiin xukuumadda Suuriya iyo dalalka ay xulufada yihiin ee Ruushka iyo Iran ayaa ku eedeeyey ururka Koofiyad Cadda in ay si aan gabbasho lahayn u gargaarayaan ururada argagixisada ah. Wasaaradda arimaha dibadda Ruushka ayaa todobaadkii hore qoraal ay kaga hadlayso oo ay Twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in uu ahaa askari ka tirsanaan jiray sirdoonka Ingiriiska ee MI6. Le Mesurier wuxu ku guulaystay oo ay Boqoraddu siisay abaal marinta OBE oo uu ku mutaystay ""gacanta uu siiyo ururka gurmadka rayidka Suuriya iyo sidoo ilaalinta rayidka Suuriya""." https://www.bbc.com/somali/war-50435721 +entertainment Lamaanaha isku dhaarsaday Jacaylka indhaha la' "Horay ayaa loo yiri, ""Jacaylka waa indhoole"". Laakiin maxaa dhacaya markii labo qof oo indhaha naafo ka ah ay is jeclaadaan? ""Waa jacayl gabi ahaanba ka duwan midka caadiga ah; waa jacayl aan ku dhisneyn muuqaal wanaag iyo qurux,"" ayuu yiri Niraj Gera, oo ah sawir qaade u dhashay Hindiya oo abaalmarinno badan ku guuleystay. Musalsal sawirro ah oo uu dhawaan soo bandhigay ayuu Mr Gera uga sheekeeyay qisada nin iyo haweeney aragga la' oo is jeclaaday, wuxuuna sheekadooda ku cabiray ilaa 13 sawir. ""Maalin ka mid ah bishii July ee sanadkii hore, waxaan ka dukaameysanayay dhismaha Connaught [oo ku yaalla magaalada Delhi], kaddib waxaan arkay lamaane qurux badan. Way socdeen gacmaha ayeyna is heysteen, iyagoo dhoollacaddeynaya, oo sheekeysanaya,"" ayuu yiri Mr Gera oo la hadlayay BBC-da. Lamaanahan waxaa caawinayay nin kale oo ku hoggaaminayay qeybaha kala duwan ee dhismaha Connaught. Mr Gera wuxuu sheegay in xaaladda lamaanahan ay aad usoo jiidatay: ""Waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan arko lamaane aragga la,"" ayuu yiri. Sidaas awgeed wuu u tagay, wuxuuna ugu yaboohay inuu geeyo ilaa boosteejada. ""Intii aan sii soconnay waddada, waan sheekeysaneynay, waxaana weydiiday inay nin iyo xaaskiis yihiin, wayna ii xaqiijiyeen. Marka waxaan weydiiyay haddii ay raalli ka yihiin in sheekadooda la faafiyo. taasna way iga oggolaadeen,"" ayuu yiri. Musalsalka uu sameeyay sawir qaadaha wuxuu si buuxda ugu sharraxay qisada jacaylka dhabta ah ee Deepak Yadav iyo Arti Chaurasia, oo labadooduba ay da'dooda tahay 21 sano. Markii ugu horreysay waxay isku barteen Facebook-ga. Deepak wuxuu sheegay in isaga iyo gabadhaba ay isticmaali jireen telefoonno casri ah laga heli karo adeegyada loogu talagalay dadka aragga naafada ka ah. ""Markii aad taabato batoonka hadalka ee telefoonka, waxaa dib kuugu soo laabanaya jawaab hadal ah,"" ayuu yiri. Maalin ka mid ah bishii June ee sanadkii 2018-kii, Deepak wuxuu sheegay in magaca Arti uu uga soo booday qeybta magacyada dadka isu bandhigta ee Facebook-ga, sidaasna ay dadka qaar ku codsadaan saaxiibtinimada. ""Waxay ila ahayd inaan waxyaabo badan isku mid ka ahayn, sidaas awgeed waxaan u dirsaday codsi saaxiibtinnimo,"" ayuu yiri isagoo la hadlayay BBC-da. Arti inay aqbasho waxay ku qaadatay muddo labo isbuuc ah. ""Ma aanan garaneynin, marka waxaan la yaabanaa qofka uu yahay?"" ayey tiri. Laakiin ugu dambeyn way ku darsatay liiska saaxiibbada. Wax yar kaddib waxay billaabeen inay farriimo isdhaafsadaan. Waxay sheekeystaanba ugu dambeyn waxay kala qaateen lambarrada telefoonnadooda. ""Markii ugu horreysay waxaan telefoonka iskula hadalnay 31-kii bishii July,"" ayuu yiri Deepak. ""Wicitaankaas ugu horreeyay wuxuu socday 90 daqiiqo"", ayey tiri Arti. Si joogto ah ayey u wada hadli jireen, maalin maalmaha ka mid ahna, Arti waxay weydiisay inuu gabar saaxiibad ah leeyahay. ""Wuxuu yiri, maya, xerada wey bannaantahay"", ayey tiri iyadoo qosleysa. Wax badan kuma aysan qaadanin inay jacayleeda u bandhigato. Taasina waxay dhacday 10-kii bishii August. ""Telefoonka ayaan iskula hadleynay. Saaxiibkey ayaan la fadhiyay, iyaduna waxay ku dhiirratay inay i dhahdo 'Waan ku Jeclahay'. Anigana waan ugu jawaabay,"" ayuu yiri Deepak. Laakiin Deepak wuxuu sheegay inuu hal daqiiqo hadalka ku dhagay marka ay Arti jacaylka u qiratay. ""Waxaan is dhahay hadalkaas aniga la iiga baahnaa marka hore, sidey iyada ku dhahday? Xoogaa ayaan aamusnaa, kaddibna waan ku dhahay anigoo ugu jawaabaya"", ayuu yiri. Labo bilood kaddib, Deepak ayaa ugu tagay meesha ay dagganeyd, markii ugu horreysay ayeyna si toos ah u kulmeen. Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay, Deepak iyo Arti si joogto ah ayey u kulmaan, waxayna sheegeen in jacaylkooda uu xoogeystay. Deepak wuxuu sheegay in hadda wixii ka horreeyay uu qoyskiisa ka qarin jiray jacaylkooda"". ""Aabahay wuxuu i dhahaa hadda ka fogow jacayl iyo wax la mid ah, dib ayaad ka heli doontaa waqti badan oo aad waxyaabahaas ku maareysid. Ku dadaal waxbarashadaada, xirfadna yeelo,"" ayuu yiri. Hase yeeshee Arti waxay sheegtay in qoyskeeda intooda badan ay ka war qabaan xiriirka ay la leedahay Deepak, inkastoo aabaheed uusan waxba ka ogeyn. Waxaan weydiinay waxa dhici kara haddii ay waalidiintooda BBC-da ka arkaan sheekadooda, ayna ka war helaan xiriirkooda. ""Waxaan rajeyneynaa inay arki doonaan,"" ayuu yiri Deepak. ""Haddii ay arkaan in warbaahinta ay amaanayaan xiriirkeenna, iyaguna dhanka fiican ayey ka eegi doonaan"", ayey tiri Arti. Lamaanahan waxay hadda raadsanayaan shaqooyin, si ay u xaqiijiyaan wadajirka mustaqbalkooda. ""Waan is mehersan doonnaa isla marka uu mid naga mid ah helo shaqo,"" ayey tiri Arti. ""Laakiin waxaan mararka qaar ka walwalaa inaan duqoobi doonno annagoo wali shaqo helin oo aan is guursanin."" Xuquuqda sawirrada: Niraj Gera" https://www.bbc.com/somali/war-51947481 +politics Muuqaal laga helay shaqaale hay'adeed oo la afduubtay Hay'adda ayaa sheegeysa in Lixda shaqaale lagu afduubtay dalka Nigeria toddobaadkii la soo dhaafay ay ka soo muuqdeen muuqaal. Hay'adda Action ayaa sheegtay in Lixda qof ay isugu jiraan darawallo iyo dhaqaatiir maxalli ah oo ay hay'addu shaqaaleysiisay, ayna haatan xaaladdoodu wanaagsantahay. Muuqaalka oo ay BBC-du aragaty ayaa muujinaya in mid ka mid ah shaqaalaha la afuddubtay ay xirnayd xijaab buluug ah, iyadoo ay ku weegaarsanaayeen Shan rag ah oo la aaminsayahay in ay yihiin asxaabtii lala afduubtay. Haweeneyda ayaa magaceeda ku sheegtay Grace, waxayna dowladda Nigeria iyo bulshada caalamaka ay ugu baaqday in ay arrintooda cakiran soo dhex-galaan. Ilaa haatan ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda afduubkaasi, balse waxaa looga shakisanyahay kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamo bariga dalkaasi. Bariga dalka Nigeria oo ah goobta uu afduubka ka dhacay ayaa waxaa ka jira laba kooxood oo aad uga firfircoon- waa Boko Xaaraam iyo kooxda Iswap. Bilowgii toddobaadkan hay'adda Action ayaa sheegtay in ay soo saartay warbixin sheegeysa in kolonyo gawaarideeda ah lagu weeraray waddo gasha magaalada Damasak ee gobolka Borno. Waxay sheegtay in mid ka mid ah darawalladii waday gawaaridaasi la dilay, shaqaalihi kalana la la'yahay halkii jaan iyo cirib ay dhigeen. Milatariga Nigeria ayaa sheegaya in ay caburiyeen oo ay wiiqeen kooxda Boko Xaaraam, dowladda Nigeri-yana waxay ku doodeysa in inta badan dagaalamayaasha Boko Xaaraam la xaddiday. Balse weriyaha BBC-da ee magaalada Abuja ayaa sheegaya in kooxaha Islaamiyiinta ay weli ku xooggan yihiin dalka Nigeria ayna weerro dhibaatooyin badan ka dhasho ay gobolka ka fuliyaan. https://www.bbc.com/somali/war-49122518 +politics Maxaa wali looga daba dhacsan yahay Shah Rukh Khan 30 sano kadib? Bishii lasoo dhaafay, jilaaga caanka ah ee u dhashay Hindiya Shah Rukh Khan wuxuu u dabbaaldegay 30 sano guuradii kasoo wareegtay markii uu si rasmi ah ugu biiray aflaamta Hindiya. Buug ay ka qortay Shrayana Bhattacharya ayaa waxay kaga hadleysaa waayihii Shah Rukh Khan ee aflaamta Hindiya ee Bollywood-ka iyo sida uu weli caan usii yahay. Wuxuu buugga sharraxayaa sababta weli Shah Rukh Khan uu weli uu kamid yahay jilaayaasha aflaamta ugu caansan adduunka. Waxaa suurtagal ah in sharraaxad macquul ah laga bixiyo sababta Shah Rukh Khan uu ugu daahay aflaanta Hindiya. Maxay tahay sababta jilaagan ay u jecel yihiin malaayiin qof? Jawaabta waa jaceyl iyo dareen ay ka muujinayaan aflaantiisa, Khan wuxuu inta badan matalayay Hindiya iyo Koonfurta Aasiya. Wuxuu dadka tusay gobolka barwaaqada leh oo banii'aadanimadu ku weyn tahay.\nMalaayiin qof oo u dhashay Hindiya wuxuu yahay dhallaanka soo bandhiya sheekada ku saabsan kobaca dhaqaalaha ee dalkiisa. Sanadihii 1990s, Shah Rukh Khan wuxuu kasoo ifbaxay shaashadaha xilli Hindiya ay soo gashay saaxadda dhaqaalaha adduunka. Iyada oo qayb ka ah dib-u-habeyn taxane ah oo suuqa ah, Khan wuxuu waddanka u furay maalgashiga qeybta isgaarsiinta shisheeye taasoo u oggolaatay shabakadaha warbaahinta cusub inay ku baahaan Hindiya - warbaahintan ayaa xaqiijiyay baahinta filimadiisa, heesaha iyo wararka inay gaareen guryo ka badan marka loo barbardhigo jilaayaashii caanka ahaa ee isaga ka horreeyay. Markii uu kobcayay dhaqaalaha Hindiya, sharaabka Soodhada iyo baabuur ayaa si lama filaan ah u soo galay suuqa, waxayna iskaashi la sameeyeen Khan oo ahaa safiirkooda dhanka suuq geynta. Marka la eego sare u kaca Khan , wuxuu Delhi ka dhigay inay caan ka noqoto caalamka waa sheeko ka hadleysaa guusha ay gaartay Hindiya, Khan wuxuu guul ka gaaray soo bandhigidda filimada isagoo aan kasoo jeedin qoysaska filimada jila, soo shaac bixidda Khan wuxuu noqday bilowga dhaqaalaha oo kobca. Xoojinta xuquuqda diimaha, Khan waxa uu sidoo kale noqday sida astaan isku keeneysa shacab badan oo Hindiya u dhashay. Dadka dhaleeceeya dowladda Hindiya waxay sheegayaan inay sare u kaceen isku dulqaad la'aanta dhanka diimaha xilligga dowladda Ra'iisul Wasaare Narendra Modi iyadoo si weyn loogu eedeeyo dowladdiisa inay gacan bidxeyn ku heyso muslimiinta. Wiilka uu dhalay Khan ayaa sanadkii lasoo dhaafay loo xiray kiis la xiriira daroogada inkasta oo markii dambe lasii daayay, dad badan waxay rumeysnaayeen in Hindiya ay beegsaneyso shakhsiyaadka caanka ah ee muslimka ah. Shah Rukh Khan wuxuu inta badan faallooyin maskaxeed ka bixin jiray muhiimadda ay leedahay wada noolanshaha bulsho kala dhaqan ah, wuxuu filimada kusoo bandhigayay jilaayaal badan oo muslimiin ah. Taageerayaashiisa oo u badan dad aan muslim aheyn kuma aysan takoorin diintiisa darteed, waxay u arkeen nin xikmad leh, caqli badan isla markaana guulo gaaray. Khan wuxuu inta badan filimadiisa ku muujiyaa shakhsiyaad nugul - jacaylka jilicsan, geesiga nugul, ninka jilicsan iyo Muslimka nugul. Khan waa halyeeyga arrimaha jaceylka ee Koonfurta Asia-filimadiisa waxay noqdeen halbeeg ay isku dayaan dhammaan dadka uu hayo jaceylka.\nMarka laga soo tego filimadiisa, Khan waa nin qiiro badan oo kaftan badan gaar ahaan marka uu la hadlayo dadweynaha. Kadib markii uu hakad ku yimid, waxaa sanadka 2023-ka waddada kusoo jiraa saddex filim oo waaweyn , taageerayaashiisa aad ugu faraxsan yihiin arrintani laakiin waxay ka walaacsan yihiin kooxaha ololaha wado ee ka tirsan garabka midig kuwaas oo baraha bulshada ka wado olole ay ku qaadacayaan dadka caanka ah ee muslimka ah ee qeybta ah filimada Bollywood. https://www.bbc.com/somali/articles/cmml31eq4yeo +politics Milateriga Mnyamar oo eedeymo usoo jeediyay Aung San Suu Kyi "Booliska dalka Mnyamar oo sidookale loo yaqaano Burma ayaa dhowr dacwadood kusoo eedeeyay hogaamiyaha rayidka ee la doortay ee dalkaas, Aung San Suu Kyi kadib afgembigii milateriga ee dalkaas ka dhacay horraantii toddobaadkan. Waraaq kasoo baxday booliska dalkaas ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha dalkaas xabsi guri la geliyay ilaa 15-ka bisha Febraayo, waxaana waxyaabaha lagu soo eedeeyay kamid ah inay ku xad-gudubtay sharciga dhoofinta iyo wax soo dejinta ee dalkaas iyo inay soo iibsatay qalab isgaarsiin oo sharci darro ah. Ilaa iyo hadda ma cadda halka ay ku sugan tahay Aung San Suu Kyi inkastoo la leeyahay waxaa lagu haya guri ay degan tahay oo ku yaalla caasimadda dalkaas Nay Pyi Taw. Sidookale madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalkaas, Win Myint ayaa isna kamid ah dadka dacwadaha loo soo jeediyay sida ku xusan dukumenti ay soo saareen booliska dalkaas. Waxaa isna lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay sharciga looga hortagayo faafidda feyraska corona, waxaana la geliyay xabsi guri laba asbuuc ah. Ilaa iyo hadda labada hogaamiye ayaanan wax war ah laga maqlin tan iyo markii ay milateriga xilka la waregeen. Afgembiga ayaa waxaa hogaaminaya taliyaha ciidamada Min Aung Hlaing, kaas oo sameeyay guddi dhan 11 qof oo ah milateri katirsan, kuwaas oo dalkaas maamuli doonaa mudada sanadka ah ee uu ku jiro xaaladda degdeg ah. Milateriga dalkaas ayaa waxaa kale oo ay sheegeen in wax-isdaba marin ay harreysay doorashadii sanadkii hore ka dhacay dalkaas. Milateriga Myanmar ayaa la wareegay awoodda dalkaas isniintii lasoo dhaafay, kadib markii ay xabsiga u taxaabeen Aung San Suu Kyi oo uu xisbigeeda talada hayo iyo siyaasiyiin kale. Telefishinka milateriga ayaa sheegay in xaalad degdeg ah Myanmar lagu soo rogay muddo sanad ah. Afgembiga ayaa kus oo beegmaya kadib markii ay xukuumadda rayidka ah iyo taliska milateriga isku khilaafeen natiijada doorashadii sanadkii hore ka dhacday Myanmar. Xisbiga NLD ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi, ayaa doorashadii November ka helay kuraasta baarlamaanka in ku filan, si uu u soo dhiso xukuumad cusub, balse ciidamada ayaa sheegay in codeyntaas ay ahayd mid la musuqmaasuqay. Ciidanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u dhigto kalfadhiga baarlmaanka oo lagu waday in uu qabsoomo toddobaadkan. Afhayeenka xisbiga NLD, Myo Nyunt, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefoonka ugu sheegay ""Waxaan rabaa in aan dadkeena u sheego in aysan falcelin degdeg ah sameyn, waxaana doonayaa in ay sharciga raacaan,"" ayuu yiri, isagoona intaa ku daray, in uu filayo in isagana la xiri doono. Sabtidii, ciidamada qalabka sida ee Myanmar ayaa balanqaaday in ay u hogaansamayaan dastuurka, iyadoo uu jiray walaac laga qabo inay isku diyaarinayeen in ay afgembi sameeyaan. Waa Tuma Aung San Suu Kyi? Aung San Suu Kyi, waa gabadha uu dhalay geesiga xuriyadda dalka Myanmar,ee General Aung San. Waxaa la dilay iyadoo 2-sano jir ah, wax yar uun kahor markii ay Myanmar xuriyadda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska, sanadkii 1948. Ms Suu Kyi, ayaa mar loo arkayay in ay tahay tusaale u taagan xuquuqda aadanaha, waa qof u ololeysa mabda'a, taas oo ka tanaasushay xuriyaddeeda, si ay ula dagaalanto Jeneraalladii arxanka darnaa ee tobonnaanka sano xukumayay dalka Myanmar. Sanadkii 1991, ayaa la siiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel, xilligaasi oo ay xabsi guri ahayd, waxaana lagu sumtay awoodda dadka aan awooda lahayn. Ms Suu Kyi, ayaa ku dhawaad 15-sano xabsi ku qaadatay intii u dhaxeysay sanadkii 1989 iyo 2010. Bishii November, 2015, waxa ay hogaamiye ka noqotay xisbiga National League for Democracy (NLD), kaas oo ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee si furan loogu tartamo ee Myanmar ka dhacda mudoo ku siman 25-sano. Dastuurka Myanmar, ayaa ka mamnuucaya in ay madaxweyne ka noqoto dalkaas, maadaama ay heysato carruur uu ka dhalay nin ajinabi ah oo aan dalkaas u dhalan. Balse Ms Suu Kyi, oo hadda 75-sano jir ah ayaa dadku ay u arkaan in ay tahay hogaamiyaha saxda ah." https://www.bbc.com/somali/war-55928840 +politics Warqad Afrika ka timid: 'Waxaan ka quustay inaan raaco tareenka Itoobiya' "Warqadaha taxaha ah ee inaga soo gaaraya weriyayaasha Afrika, ayuu Ismaaciil Einashe waxa uu wax ka qoray iskudaygiisa dhicisoobay ee uu ku doonayay inuu ku raaco tareenka Itoobiya, walow tareenkan uu yahay mid caan ah oo cusub oo uu Shiinuhu dhisay. Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waa ay adag tahay inaad ku arki wayso taboolooyinka waa weyn ee xayeysiinta ah ee ku dhinac dheggan waddooyinka iyo isgoysyada ee ay ku qoran yihiin ""tareen cusub, nolol cusub"". Calaamadaha ayaa muujinaya khadka tareenka Shiinuhu uu ku dhisay $4.5 bilyan oo doolar kaas oo isku xiraya magaalooyinka Addis Ababa iyo Jabuuti, kuna xiraya dalkan aan badda lahayn ee Itoobiya ee ay dadkiisu yihiin 100 milyan ee qof dalka yar ee Jabuuti ee ku yaal Badda Cas. Khadkan tareenka oo dhirirkiisu uu dhan yahay 750km ayaa waxa uu shaqo bilaabay bishii Janaayo 2018, waana midkii ugu horreeyay ee koronto ku shaqeynaya ee Afrika ee xadad dalal isaga gudba. Dalka Itoobiya tareenkan mashruuc kaliya uma ahan ee waxa uu uga dhigan yahay jowharad dahab ah oo astaan u ah himilooyinkeeda horumarka ee salka ku haya dhaqaalaha ugu koboca badan qaaradda Afrika, taas oo uu ujeedku yahay in dalkaas uu ku galo dabaqadda dhexe wixii loo gaaro bartamaha 2020-yada. Hasayeeshee tan iyo markii la furay khadkan tareenka casriga ah ayaa waxaa soo foodsaaray culeys dhinaca dhaqaalaha iyo howlgalkaba. Bishii Janaayo waxaa muddo la hakiyay adeegyada tareenka walaac laga qabo ammaanka gobolka Afar-ta, kaddib dibadbaxyo loogaga soo horjeedo dowladda iyo iskudhacyo u dhaxeeyay qowmiyadaha Soomaalida iyo Afar-ta. Joogsiga howlaha tareenka ayaa sanadkii hore waxaa sababay markii tareenku uu ku dhacay geel, taas oo horseedday in xooladhaqatadu dowladda ka dalbadaan in la siiyo magdhaw xoolaha qiimaha badan ee laga laayay. Sidaas oo ay tahay tan iyo markii aan maqlay in khadkan tareenka casriga ah laga furay gudaha dalka Itoobiya waxaan aad u rabay inaan raaco, tareenkan oo dhaqaaqo maalinkasta 0800 subaxnimo waqtiga maxalliga ah. Waxaan qorsheeyay inaan tareenka ka raaco Addis Ababa oo aan ku tago magaalada Dire Dawa oo ah magaalo kale oo ku taal Itoobiya oo aanan arag 25-kii sanadood ee la soo dhaafay. Hasayeeshee farxadeydii waxa ay durbadiiba isu badeshay niyadjab markii aan xaqiiqsaday sida ay u adag tahay in tigidh la iibsado - dalkan dariska ah ee Kenya waxaad booqanaysaa barta internetka ee khadka tareenka, halkaas ayaadna tigidhkaaga ka iibsanaysaa lacagtana mobile-ka ayaad ku dhiibaysaa, adeegga mPesa la yiraahdo, balse Itoobiya arrimuhu waa ay yara adag yihiin. Waxaan booqday barta internetka ee khadka tareenka ee Itoobiya waxaan ka helay oo kaliya dhowr xafiis oo tigidhada lagu jaro, xafiisyadaas oo ku yaal xarumaha tareenka qadiimiga ee uu Faransiiska Addis Ababa ka dhisay ee dhaca bartamaha magaalada. Waan wacay oon wacay, balse cid iga qabatay taleefanka ma aanay jirin. Markii dambe waxaan ku qasbanaaday inaan toos u tago dhismaha qadiimiga ah ee tareenka. Markii aan halkaas gaaray, sikasta oo uu xaal ahaadaba, inaan helo xafiiska tigidhada ayaa sidoo kale igu adkaatay. Waardiyuhu wuxuu u muuqday inuu la yaabay waxa aan waydiinaayo. Markii aan xafiiska ka helay dabaqa koobaad, haweeney dhinac fadhisa miis alwaax ka samaysan ayaa iyana waxa ay u muuqatay mid la yaaban codsigayga ah inaan helo tigidh aan ku laabto. Waxa ay ii sheegtay inaan sugo maamulaheeda. Isagiina waxa uu yiri ma aynu gadno tigidhada lagu laabto, ee haddii aad doonaysid tigidhada baska waad iibsan kartaa. Haddii aan tareenka doonayo ayaan waydiiyay, waxa uu igu yiri waxaad aaddaa xarunta cusub ee uu Shiinuhu dhisay ee ku taal afaafka hore ee magaalada Addis Ababa halkaasna tigidhkayga ka iibso. Maareeyaha ayaa waxa uu ii xaqiijiyay in tareenka casriga ah uu shaqeynayo, hasayeeshee waxa uu igula taliyay inaan arooryo hore tago - wixii loo gaaro 06:30. Waxaan dareemay waxoogaa nafis ah, ilaa aan dhibaatadii xigtay kala kulmay - taas oo aheyd sidii aan ku heli lahaa goobta uu ku yaal tareenkan cusub. Howl fudud ma aanay ahayn, waa midda koobaadee xarunta weli khariidadeeda lama gelin Google Mapska, dadka deegaankana waxba kalamaba socdaan waxa aan waydiinaayay. Inta aan ogohay qof ka shaqeeya hoteel ayaa waxa uu iisoo helay darawal taksi, kaas oo ii sheegay in 90-daqiiqadood loo sii soconaayo xarunta tareenka - $18-na uu iga qaadaayo, kaas oo sida tareenka oo kale qaali u ah. Waxaannu baxnay xilli mugdi ah oo qabow oo dhado ay dhacayso waa aroor Talaada ah abaare 05:00. Waxaannu ka gudubnay degmada Bole ee Addis Ababa, halkaas oo aan ku noolaan jiray - haatanse wax badan ayey goobtu isbadeshay: waxaa aad looga dhisay hoteello cusub iyo goobo loo dukaamaysi tago oo waa weyn. Wadadii laamiga aheyd ayaan ugu dambayntii ka baxnay oo waxaannu dhowr kiilo mitir ku soconnay waddo raf ah oo boor badan ka hor inta uusan inoo soo muuqan dhismaha weyn ee xarunta tareenka ee Furi-Labu. Dhismaha oo u muuqdo mid si toos ah looga soo raray waddanka Shiinaha oo Itoobiya mar qura la keenay, ayaanay cidina joogin - oo waxaa jooga oo kaliya askari ilaalinaya, iyo dhowr howlwadeen oo Shiinees ah oo xarunta dhex wareegaya. Waxa ay u muuqataa goob laga guuray. Waxaan ku lugeeyay jaranjarooyinka waa weyn, waxaanan la hadlay askarigii kaas oo ii sheegay in xarunta ay xiran tahay ugu ""laba todobaad"" maadaama ay cilad ka jirto meel u dhaw magaalada Dire Dawa. Wax tareen ah oo subaxaas baxayay ma uusan jirin. Waxaan dib ugu laabtay hoteelka - haddana dhulkii roob badan baa ka da'ay oo dhiiqo ayaanan lala socon karin - marka waxaan ku qasbanaaday inaan diyaarad raaco. Hasayeeshee internetka ayaa aad u liitay - oo maalmahaasi waxa ay aheyd arrin iska caadi ah gudaha Itoobiya - marka waxaan qaatay taleefanka oo duulimaadkii ayaan qabsaday. Waqtigii aan tareenka ku tegi lahaa maalintaas xarunta cusub ee magaalada Dire Dawa abaare 15.50 ayaa waxaan ku sugnaa dhismaha diyaaradaha laga raaco ee garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa oo waxaan sugayay in diyaaradda ay soo istaagto oo ganjeelka naloo furo." https://www.bbc.com/somali/war-49623513 +politics Doorashada Mareykanka 2020: Trump ama Biden: Yaa cagta saaray waddada guusha ee doorashada? Mareykanka waxaa weli ka socota tirinta codadka doorashada iyadoo weli laga dhursugayo cidda ay guusha raaci doonto, waxaana doorashadan codkooda ka dhiibtay in ka badan 160 malyan oo qof. Donald Trump wuxuu ku anddacooday in uu guul gaaray isla markaana ku eedeeyay Dimuqraadiga inay geysteen wax is dabamarin, wuxuu barta Twitter-ka soo dhigay qoraallo dhowr ah oo shirkaddaas barta bulshada ay ku tilmaamtay kuwo marin habaabin ah oo uu ku sheegayo in dadka tartanka kula jira inay ku shubteen codadka. Xaaladda sidaa ma ahan, weli waxaa socotaa tirinta codadka. Hadda waxaa la saadaaliyay in Biden uu ku guuleysan doono codadka laga dhiibtay gobolka Michigan, halka warbaahinta Mareykanka ay saadaalinayaan in uu guul ka soo hoyin doono gobolka Wisconsin, gobollada kale ee muhiimka ah ee la isku hayo waxaa ka mid ah Arizona, Nevada, Georgia iyo Pennsylvania. Codadka uu ku guuleysan karo musharrax ee ergada gobollada, wuxuu Biden ka heystaa illaa 243, halka Trump uu heysto 214. Qofka guuleysanayo waxaa laga doonayaa in uu helo 270 codadka ergada ah oo guusha horseedi karta. Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa waxaa looga baahan yahay cidda tegi doonto Aqalka Cad. Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, Joe Biden, waxaa looga baahan yahay in uu sii xoojiyo guusha uu hadda ka gaaray gobollada Arizona, Nevada iyo Wisconsin. Haddii weli uu sii hogaamiyo gobolladaas, waxay ka dhigan tahay in uu keeni karo 270 oo ah codadka guusha u horseedi kara. Gobolka Michigan waxaa natiijada ku hogaaminayaa Biden xilli inta badan la tiriyay codadka laga keenay deegaanada ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Dimuqraadiga. Marka galabkii waxaa loo saadaalinayaa in uu ku guuleysto codadka gobolka, halka Wisconsin na la saadaalinayo in uu guul ka gaaro, waana meesha ay Jamhuuriga codsanayaan in dib loo tiriyo codadka. Biden wuxuu guul ku guuleystay gobolka Arizona iyadoo ay weli harsan yihiin tirinta codad badan, balse gobolka Nevada wuxuu Biden ku hoggaaminaya codad kumanaan ah, iyadoo la tiriyay codadkii ay ku tiirsanaayeen jamhuuriga halka codadka soo haray ay yihiin kuwa dimuqraadiga. Ilaa iyo haatan, Biden wuxuu u muuqdaa mid cagta saaray ugu yaraan wadda iska caabinta ah ee gaarsiin karto Aqalka Cad. Sida Biden, Trump waa in uu xajistaa guusha uu ka garay gobollada soo haray sida Pennsylvania iyo Georgia. Xisbiga Jamhuuriga waxaa looga baahan yahay in ugu yaraan uu ku guuleysto mid ka mid ah gobollada uu hogaaminayo Biden ee aan soo sheegnay. Natiijada gobolka Nevada ee Biden iyo Trump waa mid aad isugu dhaw, waxaana laga yaabaa in codad yar uu ku badiyo Trump, waa haddii codadka la keeni doono galabta ay noqdaan kuwa Jahmuuriga oo aysan noqon kuwa Dimuqraadiga, sida la filayayba. Natiijida gobolka Arizona waa arrin muhiim u ah qofka noqonaya madaxweynaha, sida gobolka Nevada, waxa jiro codad badan oo aaan la tirinin. Guusha Biden uu ka gaaray gobolka Arizona waxay ka weyn tahay tan uu ka gaaray Nevada, balse waxaa suuragal ah in wax is beddelaan. Gobolka Wisconsin, waxay u muuqataa in Trump uusan wax rajo ah ka qabin maadama boqolkiiba 99 codadka la tiriyay. Guusha Biden waxay si weyn ugu tiirsan tahay in uu sii xajisto hoggaaminta natiijada gobollada Pennsylvania iyo Georgia, balse taasi kama dhigno in uu labada gobol uu ku badbaadi karo. Inta badan codadka soo haray waxaa laga keenay deegaannada ay ku xooggan yihiin tageerayaasha Dimuqraadiga ee ku xeeran Atlanta. Gobolka Pennsylvania, weli waxaanan la tirinin illaa hal milyan oo cod, inkastoo Trump uu hoggaaminayo natiijada gobolka Keystone. Haddii Biden looga adkaado, wuxuu lumin karaa guusha laba gobol ee Arizona iyo Nevada. balse haddii Dimuqraadiga uu ku guuleysto gobolka Georgia, wuxuu Trump lumin karaa guusha gobol ama labo gobol (Gaar ahaan codadka ergada ee guusha horseeda). Trump iyo Biden waxaa horyaalla waddooyin kala duwan oo u horseedi kara guul. Marka laga soo tego waxay ay noqon doonto natiijada, jahwareerka taagan wuxuu yahay, in Biden uu ku andacooday in uu hayo dhabbaha guusha, halka kooxda ololaha Trump ay jeediyeen eedeyn ah in wax la isdabamariyay isla markaana doorashada lagu shubtay, iyago aan wax caddeyn ah hayn. Kooxda ololaha Trump waxay codsadeen in dib loo tiriyo codadka gobolka Wisconsin. https://www.bbc.com/somali/war-54822775 +entertainment Karisma Kapoor oo soo rogaal celisay, xogta nolosheedana shaaca ka qaadday "Atarashiishada caanka ah ee Hindiya, Karisma Kapoor, ayaa sheegtay inay jeceshahay in ay indhaha dadka ka gabato marka ay nolosheeda dhabta ah ku jirto, dadkuna ay aad ula yaabaan marka ay dabeecadda ay lasoo baxdo marka ay shaashadaha kasoo muuqato. Haweeneydan ay dadk badan jecel yihiin hab jilliinkeeda ayaa hadda dib usoo rogaal celisay, waxayna kasoo muuqan doontaa musalsal cusub, sida aan ku sharrixi doonno qormada hoose. Wareysi ay siisay warbaahinta Film Companion ayey ku tiri; ""Waligeyba waxaan ahaa qof xirxiran oo aan dadka dhex galin, haddana sidaasoo ay tahay waxaan ahay atariisho. Dadku marka ay i arkaan way naxaan, waxayna i dhahaa 'sidey ku dhacday in aad qoob ka ciyaar sameysid ama aad heetsid?' sidoo kale waligey kama helin inaan xirto dharka garbaha go'an ee qaarka hore laga xirto. Marka aan filimada ku sameynayo xitaa kuma qanacsani. Waxaan ahaa qof aad u ilaaliya dhaqanka iyo diinta"". Karisma ayaa hadda barteeda Instagram-ka ku leh 5 malyan oo taagerayaal ah, waxayna mar mar usoo dhigtaa sawirradeeda, inkastoo ay dabeecad u gaar ah leedahay. Hase yeeshee waxay caddeysay in aysan waligeed nolosheeda oo dhammeystiran kusoo bandhigi doonin baraha bulshada, si adduunka oo dhan looga arko. ""Waxaan sidoo kale jeclahay inaan la jaanqaado wakhtiga. Runtii taasna muhiim ayey ii tahay aniga, qof ahaan. Waxaa la joogaa xilli casri ah, waa sax, laakiin haddana waa inaan ka fiirsado waxa aan soo dhigayo iyo waxa aanan soo dhigeynin"", ayey tiri. Wakhti xaadirkan, Karisma waxay isku diyaarineysaa inay ka qeyb qaadato musalsal cusub oo ku bixi doona dhinaca Internet-ka, kaasoo uu sameynayo website-ka ALTBalaji. Musalsalkan, oo lagu magacaabay Mentalhood, waxaa hagi doona Karishma Kohli. Filimkan ayaa lagu matalayaa waxyaabo ku saabsan caqabadaha soo wajaha waalidiinta marka ay carruurtooda korinayaan. Karisma ayaa musalsalkan ku matali doonto haweeney la furay oo dooneysa inay carruurteeda waalid ahaan u maamusho. Sanjay Suri ayaa isagana ku matali doona inuu yahay seygeeda. Jilayaasha kale ee kasoo muuqan doona filimkan waxaa ka mid ah Dino Morea, Shruti Seth, Sandhya Mridul, Shilpa Shukla iyoTillotama Shome. Waxaa la filayaa in xaladaqada ugu horreysa ay soo baxdo 11-ka bishan March, lagana daawado bogagga internet-ka ee ALTBalaji iyo Zee5. Filimkii ugu dambeeyay ee ay toos Karisma ugu sameyso shirkadda Bollywood-ka wuxuu ahaa Ishhq, oo soo baxay sanadkii 2012-kii. Hase ahaatee waxay si khaas ah oo kooban uga soo muuqatay filimka Bombay Talkies, oo soo baxay 2013-kii iyo Zero oo soo baxay 2018-kii." https://www.bbc.com/somali/war-51756023 +sports Ciyaartoy caan ah oo xaaskiisa bil walba magaalo joog u siiya 100 kun oo doolar Wargeyska Corriere dello Sport ee wax ka qora ciyaaraha qaaradda Yurub ee kasoo baxa magaalada Rome ee dalka Talyaniga ayaa kusoo warramay in ciyaaryahanka u dhashay dalka Burtiqiiska ee u dheela kooxda Juventus, Cristiano Ronaldo uu lacag dhan 100 kun oo doolar magaalo joog ahaan bil walba u siiyo gabadha ay wada joogan ee Georgina Rodriguez. Wargeyska ayaa sidoo kale kusoo warramay in Ronaldo oo 35 sano jir ah uu xaaskiisa Rodriguez oo iyaduna 26 jir ah lacagtaas u siiyo gunno ahaan, si ay ugu noolaato noolal heesare ah. Corriere dello Sport ayaa kusoo warramay in Cristiano Ronaldo uu sanadkiiba mushaar ahaan u qaato lacag dhan 28 milyan oo doolar. Georgina u dhalatay dalka Spain ayaa gabar laba sano jir ah u heyso Cristiano Ronaldo, taas oo lagu magacaabo Alana Martina. Hase yeeshee Rodriguez ayaa Ronaldo waxay la korisaa saddex caruur oo kale oo uu dhalay, waxaana uu wargeyska sheegay in inta badan gabadhaas ay ku sugan tahay gurigaas, halkaas oo ay ku koriso, kuna xanaaneyso caruurta. Ronaldo iyo xaaskiisa ayaa inta badan la arkaa iyagoo ku nool noolal heersare ah, oo waxaa ay u dalxiis tagaan meelaha ugu quruxda badan caalamka iyagoona qaata diyaard u khaas ah. Dhawaan ayay ahayd markii Rodriguez ay Cristiano Ronald siisay haddiyad baabuur oo qaali, kaas oo la iibiyo lacag dhan 120 kun oo doolar. Ronaldo ayaa xilligaas u dabaaldegayay sanad guuradii 35-aad ee kasoo wareegatay dhalashadiisa. Rodriguez oo taageerayaal aad u badan oo gaaraya 17 milyan ku leh barta Instagram ayaa sidoo kale waxaa ay dhaqaale ka sameysaa shirkadaha ay xayaysiinta u sameyso. Xaaska Ronaldo ayuu wargeyska sheegay inay kusoo barbaartay tuulo fog oo ku taala waqooyiga dalka Spain, halkaas oo ay kula nooleyd aabaheed Jorge oo isaguna ahaa ciyaartooy u dhashay dalka Argentina iyo hooyadeed oo Spanish ah. Rodriguez markii ay yareyd waxay aad u jecleyd inay barato ciyaaraha qoob ka ciyaarka, balse waalidkeeda xilligaas ma aanay awoodin inay u diraan iskoolada lagu barto ciyarahaasi, waxaana markii dambe ay iska noqotay gabar dharka xayaysiisa. Waagii hore waxaa ay ku nooleyd noolal ka duwan tan hadda ay ku nooshahay oo waxaa kabalyeeri ka ahayd maqaayad. Markii ay da'deedu soo gaartay 19 sano, waxaa ay usoo wareegtay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, halkaas oo ay ka ahayd jaariyad saacadiiba ku shaqeysa toban doolar. Hase yeeshee markii dambe waxaa ay dib ugu laabatay dalka Spain, waxaana ay Cristiano Ronaldo isku barteen dukaanka caanka ah ee Gucci store, halkaas oo uu ka bilawday xiriirkooda. https://www.bbc.com/somali/51655821 +politics Khudbaddii macsalaameynta Trump: Waan sameynay wixii aan u nimid "Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jeediyay khudbadiisii maca-salaameynta ka hor inta uusan xafiiska ka tagin. Waxaa uu Trump yiri: ""waan sameynay wixii aan u nimid in aan sameyno- iyo ka badan-ba."" Muqaal la soo galiyay barta Youtube, ayaa waxaa uu sheegay in uu galay ""dagaal adag, iyo hardankii ugu adkaa... sababtoo ah buu yiri waa taa wixii aad ii doorateen in aan sameeyo "". Mr Trump ilaa iyo imika si rasmi ah uma aqbalin natijadii ka soo baxday dorashadii Mareykanka ka dhacday bishii November, taasi oo uu ku guuleystay Joe Biden. Mr Biden ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah galinka dambe loo dhaariyo xilka madaxwaynanimada. Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay mudda xileedka madaxwayne Trump ayaa waxaa hareeyay weerarkii taageerayaashiisa ay ku qaadeen dhismaha Capitol Hill, halkaasi oo dabad-baxayaashu ay u dhaceen aqalka Congreska. ""Siyaasad ku dhisan rabshad waa weerar lagu soo qaaday wax walba oo aan ku naaloon jirnay haddii aan nahay Mareykan loomana dulqaadan doono,"" waxaa uu sidaasi Mr Trump ku sheegay muqaalka uu soo duubay. Marna madaxwayne Trump ma magac dhabin ninka isaga badali doona saacado ka dib e Joe Biden. Mr Trump qudhiisa ayaa waxaa lagu sameeyay xil ka xayuubin ka dib markii lagu eedeeyay ""kicin dad weyne iyo kacdoon "" islamarkana waxaa uu wajihi doonaa aqalka Sanetka. Haddii Trump lagu helo eedeeymaha loo haysto waxaa laga mamnuuci doonaa in uu isu soo taago ama uu qabto xafiis dowladeed. Waa madaxwaynihii ugu horeeyay ee taariikhda Mareykanka oo labo mar xil ka qaadis lagu sameeyo. Fariintiisa ayuu ku sheegay, Mr Trump in maamulkiisa uu dhisay""dhaqaalihii ugu ballaarnaa ee taariikhda caalamka soo mara"". Trump ayaa xilka ka tagaya xilli uu dalkaasi fara ba'an ku hayo feyriska Corona, islamarkana tirada dhimashada ay imika gaartay 400,000 oo qof. Suuqyada saamiga Mareykanka ayaa ka soo kabtay xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Si kastaba, dhaqaalaha kale ayaa la daalaa dhacaya saameyntii uu coronavirus ku yeeshay. Shirkadaha ayaa bishii December dhimay shaqaalaha. Iibka tafaariiqda ayaa hoos u dhacay bilihii la soo dhaafay, iyadoo ay shaqo la'aantu korotay. ""Ajandaheennu kuma saabsaneyn midig ama bidix, kuma saabsaneyn Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga, balse wuxuu quseeyay qaranka, taasna waxay la micno tahay dalka dhan,"" ayuu yiri Mr Trump. Wuxuu xafiiska ka tegayaa isagoo heysta qiimeyn 34% ah, taas oo ah mid aad u hooseysa. Donald Trump, 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay khudbaddiisii duubneyd ee macsalaameynta ahayd, wuxuu ku sheegay in maamulkiisa uu qabtay wixii loo igmaday. Waxaa dood laga keeni karaa muhiimadda ay leeyihiin waxyaabihii uu ku guuleystay - haddii dib u dhiska derbiga xadka ee dhererkiisu yahay 400 meyl (640km), dhimista canshuuraha, dagaallada ganacsiga iyo heshiisyada dibomaasiyadeed ee ay u dhigmaan guusha. Balse marka dhinac laga eego, manni sheegashadiisa waa run. Trump wuxuu madaxweyne u tartamay 2016 si uu isbeddel ugu sameeyay hannaanka siyaasadeed ee jiray. Intii uu bannaanka joogay wuxuu u ololeeyay inuu cod siin doono kuwa ka aamin baxay hannaanka ee dareensan in uusan iyagu anfaceynin. ""Waxaan dagaallada adag u galay, u sameeyay ikhtiyaarradii ugu adkaa, sababtu waxay tahay waa waxa aad ii doorateen,"" ayuu yiri. Xasilooni darradii iyo caradii uu Trump ka abuuray Aqalka Cad waxay isugu soo ururtay weerarkii labo toddobaad kahor loo geystay Capitol Hill, taas oo caradii ka dhalatay ay muddo qaadan doonto inay baaba'do. Kaddib afar sano, Trump wuxuu dowladda Mareykanka ka tegayaa iyadoo beddelan. Taasina waa ugu yaraan ballan uu qaaday uuna fuliyay. Mr Biden iyo xaaskiisa Jill Biden ayaa Talaadadii ka tegay gurigooda ku yaalla Delaware si ay ugu laabtaan Washington, halkaas oo uu madaxweynaha soo socda ka soo ahaa sanatar 36 sano kahor inta uusan madaxweyne ku xigeen u noqon Barack Obama laga soo bilaabo 2008 ilaa 2016. ""Marka aan dhinto, Delaware waxay ku qornaan doontaa wadnahayga,"" ayuu ku yiri khudbad macsalaameyn ah oo qiiro lahayd. Wuxuu maanta tegi doonaa Aqalka Cad kadibna Capitol oo ay ka dhacayso xafladda caleema saarka saacaddu marka ay tahay 12:00 (17:00 GMT). Waa caleema saar ka duwan kuwii hore: ammaanka Washington ayaa aad loo adkeeyay kaddib weerarkii Capitol, iyadoo halkaas la geeyay kumannaan Ilaalada Qaranka ah. Keliya dad kooban ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan National Mall si ay goobjoog uga noqdaan dhaarinta, iyadoo ay markii hore ka qeybgeli jireen boqollaal kun oo qof. Dadka aan ka soo qeybgeli doonin waxaa ka mid ah Mr Trump. Wuxuu saakay u duulayaa Florida - wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee aan ka qeybgelin caleema saarka madaxweynaha xilka kaga guuleystay tan iyo Andrew Johnson sanadkii 1869." https://www.bbc.com/somali/war-55728725 +politics Shiinaha iyo Taiwan oo khilaafkoodu gaaray heer ay isu gacan qaadaan "Xiisadaha mudada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa Sababay in diblomaasiyiintooda uu gacan qaad ku dhexmaro dalka Fiji. Taiwan ayaa ku doodeysa laba sarkaal oo ka tirsan safaaradda Shiinaha in iyaga oo aan la casuumiin ay kasoo qaybgaleen munaasabad loogu dabaaldegayay maalinta qaranka ee Taiwan horaantii bishaan. Labada dhinacba waxay sheegayaan in saraakiishooda ay ku dhaawacmeen dagaalka, waxayna ka codsadeen booliska Fiji inay dhacdaasi baaritaan ku sameyaan. Shiinaha wuxuu u arkaa Taiwan gobal dhulweynaha shiinaha kamid ah laakiin hogaamiyaasha Taiwan waxay ku doodayaan inay yihiin dal madaxbanaan. Xiriirka ka dhexeeya labadooda wa mid aad u xun waxaana jirta hanjabaad joogto ah oola isu diraayo oo rabshadana ay ka dhalan karaan taas oo u horseedi karto in Mareykanka oo xulafo la ah Taiwan in uu lug ku yeesho. Dhacdadii ugu dambeysay ayaa la sheegay inay ahayd 8-dii Oktoobar iyadoo xafiiska ganacsiga Taiwan ee Fiji - kaas oo sidookale ah safaaradeeda rasmiga ah - ay xaflad soo dhaweyn ah ugu sameysay ilaa 100 marti sharaf ah, Hotelka Grand Pacific Hotel oo ku yaal caasimada Suva ee dalka Fiji. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Taiwan ayaa sheegtay in laba sarkaal oo Shiines ah ay bilaabeen in sawirro ay goobta xafladda ka qaadan iyo inay isku dayeen inay ururiyaan macluumaadka martida xafladda kasoo qaybgashay.Markaas kadib Diblumaasi u dhashay Taiwan ayaa ragii sawirka qaadayay ka codsaday inay baxaan taas oo sababtay in la isu gacan qaado oo diblumaasi rer Taiwan ah dhawac Madaxa kasoo gaaray islamarkaana cisbitaal la geeyay sida ay sheegtay wasaarada. Waxaan si adag u cambaareyneynaa ficillada sarakiisha safaaradda Shiinaha ee Fiji iyo shuruucda ay jebiyeen, "" Joanne Ou, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Taiwan ayaa sidaasi sheegtay . Shiinaha ayaa isna dhankiisa si ka duwan uga hadlay dhacdaasi. Safaaradeeda Fiji waxay sheegtay in shaqaalaheeda ay ku sugnaayeen ""goob dadweyne oo ka baxsan halka xafladdu ka socotay "" waxayna halkaasi u joogen ""shaqo rasmi ah"" waxayna ku eedeysay saraakiisha Taiwan inay ku dhaqaaqeen ""daandaansi"" ayna ""dhaawac u geysteen hal diblomaasi oo Shiines ah"". Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, warbixinteeda Isniintii, waxay shaaca kaga qaaday in saraakiisheeda ay ka warqabaan waxa ka socday goobta xafladda, sida keeg uu ku sawiranyahay calanka Taiwan, oo Beijing ay ku tilmaamtay mid been abuur ah maxaa yeelay Taiwan uma aqoonsana dal. ""Calan qaran oo been abuur ah ayaa si cad loogu soo bandhigay goobta, keegga sidoo kale waxaa lagu calaamadeeyay calan qaran oo been abuur ah,"" Zhao Lijian afhayeenka wasaaradaha arrimaha dibedda ee shiinaha ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee AFP. Booliska dalka Fiji, ayaan weli ka hadlin halka baaritaanka u marayo Beijing waxay muddo dheer isku dayaysay inay xadido howlaha caalamiga ah ee Taiwan waxayna labaduba isku deyayaan inay saameyn ku yeeshaan gobolka Pacific. Walow, Taiwan ay aqoonsi rasmi ah ka heshay wadamo fara ku tiris ah, haddana dowladdeeda sida dimoqraadiga ah lagu soo doortay waxay xiriir ganacsi iyo mid aan rasmi ahaynba la leedahay dalal badan." https://www.bbc.com/somali/war-54610933 +politics F-35: Wax ka ogow sababta diyaaradda dagaal ee Mareykanka u tahay midda ugu fiican Markii maamulka Madaxweyne Bill Clinton uu la yimid fakradda diyaarad dagaal sanadkii 1995, waxay xal u ahayd dhammaan caqabadaha milatariga. Hadafku wuxuu ahaa in la sameeyo diyaarad milatari oo dalku leeyahay si ay howlgalo kala gaar gaar ah ugu fuliso saddex cutub oo milatariga Mareykana ka tirsan. Ciidamada Cirka ayaa beddelkii diyaaradda dagaalka F-16 waxay diyaaraddan u adeegsan doonaan duqeymaha cirka iyo kuwa dhulka. Ciidamada badda ayaa u adeegsan doona diyaaradda xojinta weerarrada maraakiibta sida diyaaradaha dagaalka. Qof kastana, oo ay ku jiraan xulafada Mareykanka ayaa u adeegsan doona dhanka sirdoonka. Mrakii hore waxaa jiray kuwo u maleynayay in diyaaradda dagaalka ay tahay riyo iyo mashruuc diyaarad qura looga filanayo waxyaabo badan isla markaana uusna guuleysan doonin. Mashruuca lama bilaabi lahayn hadii ay kordhi lahayd hanjabaadaha milatariga, balse markaas Midowgii Soofiyeetka ayaa burburay dakhliga Shiinaha ayaana ahaa boqolkiiba 3, sidaas darteed mamaulka Madaxweyne Clinton ayaa go'aansaday inay tallaabo qaadaan. Boqollaal diyaaradaha f-35 ah ayaa haatan ka howlgala in ka badan 10 saldhigyo milatari oo dunida ku yaalla. Muddo dheer ayay qaadatay inuu guuleysto mashruucaas, balse ugu dambeyn wuu hirgalay. Waxay noqotay mid ka mid ah diyaaradaha ay teknolojiyaddda injineeriyaddooda uu aad u sarreeyo kaddib Dagaalkii Qaboobaa ee dunida. Xaqiiqdii diyaaradda waxay caddeyn u tahay anshaxa iyo khibradda waaxda hawada ee Mareykanka. Si kastaba, haddii aadan si dhow ula socon qorshaha F-35, waxaa laga yaabaa inaadan wax bada ka ogaan. Madxaweyne Trump ayaa xilka qabtay isaga oo aan wax badan ka fahansaneyn F-35, wuxuuna si tartiib tartiib ah u soo fahmayay muhiimadda ciidamada isku dhafan. Uma muuqato cadowga. Markii diyaarad F-35 ah ay ka qeyb galeyso tababar, waxay mar walba iska caabisaa diyaaradaha cadowga ku ah iyadoo ku dhaafeysa 20 iyo 1. Isla sidoo kale ayay sameyn doontaa dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ruushka iyo Shiinaha, sababtoo ah waxaa loo sameeyay inay dhuuqdo amaba iska celiso tamarta raadaarka, sidaas darteed wadayaasha diyaaradaha cadowga ma arki karaa kahor inta aysan weerar ku qaadin. Waxaa intaas dheer, F-35 wuxuu leeyahay hannaan khiyaamaya amaba dhaafaya raadaarka diyaaradaha cadowga, cirka iyo dhulka. Raadaarrada ayaa meel fog shey ka aqoonsan kara, balse ma baadi goobi karaan amaba ma weerari karaan F-35. Sidoo kale, matoorka diyaaradda wuxuu awood u leeyahay inuu yareeyo kulka kahor inta gantaallada klka raadiya aysan weerarin. Wey ka weyn tahay keliya diyaarad dagaal. F-35 ma aha keliya diyaarad dagaal balse sidoo kale waa mid muddo jiri karta. Shaqooyinkeeda, waxaa ka mid ah inay awood u leedahay inay nadiifiso hawada diyaaradaha cadowga ee qalqalka gelin kara ciidamada Maryekanka. Balse taasi waa uun billow. Hannaanka xog-uruurinta ee F-35 ayaa xogta sirdoonka ka uruurin karta una qeybin karta meelo kala duwan. Awoodda ay u leedahay inay is hor taagto hannaanka diyaaradaha kale iyo qalabkeeda hawada ayaa diyaaraddan ka dhigaya mid ka sarreysa diyaaradaha kale ee dagaalka. Waxaa sii dheer wwoodda ay u leedahay in wadayaashu ay ku dejin karaan meel walba iyo qaab walba iyadoo awoodda inay qaaddo hubka nukliyeerka. https://www.bbc.com/somali/war-58053499 +politics Kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo marxalad cusub galay "Dowladda Kenya ayaa dooneysa in dib u dhigis lagu sameeyo furitaanka dhageysiga kiiska muranka xadka badda ee ay Soomaaliya la wadaagto, halka Soomaaliya lagu soo warramayo inay gaashaanka u daruurtay arrintaas. Warar lagu kalsoon yahay oo ay BBC-da ka heshay ilo kala duwan ayaa sheegaya in maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ, oo uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ay u yeertay wakiillo ka kala socda Somalia iyo Kenya si arrintan loo eego. Dalabka ay Kenya gudbisay ayaa ah in dacwadda dib loo dhigo ilaa bisha September ee sannadka 2020-ka. Wakiillada dhinaca Soomaaliya ee tagay magaalada Hague oo kala ah Ra'iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha Guud Axmed Cali Daahir, Safiirka Somalia ee midowga Yurub Danjire Cali Fiqi, iyo mid ka mid ah kooxda xagga sharciga u qaabilsan Somalia, ayaa ku adkeysanaya in dalabkaas aysan aqbalin. Garsoorka maxkamadda ayaa laga dhowrayaa inay eegaan sababaha ay Kenya u dooneyso dib u dhigista dacwadda, si ay go'aan uga gaaraan in la oggolaado iyo inkale. Dhawaan maxkamadda ICJ ayaa oggolaatay in labo bilood dib loo dhigo dhageysiga kiiska oo muddo dheer la sugayay ka dib markii ay Kenya sheegtay inay u baahantahay wakhti ay ku hesho qareenno u dooda. Hase yeeshee, maalmo ka hor waxaa soo baxay warar kale oo sheegaya in wakiillada Kenya ay doonayaan dib u dhigis kale oo gaareysa ilaa hal sano. Mid ka mid ah shuruudaha ugu waaweyn ee maxkamadda ay ku xireyso in la ansixiyo dalabkaas ayaa ah in saraakiisha ka socota dhinaca Soomaaliya ay oggolaadaan dalabkaas. Balse maadaama ay ku gacan seyreen, maxay tahay waddada kale ee furan? Dr Cabdikariim Maxamed Soomaali, oo ah shrci yaqaan jooga magaalada Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in sida kaliya ee uu dalabkaas ku hirgali karo ay tahay in Soomaaliya ay raalli ka noqoto ama in garsoorka maxkamadda ay ku qancaan sababaha ay Kenya u cuskatay codsigeeda dib u dhigista ah. Laakiin wuxuu sheegay in marka aan oggolaansho laga heysanin Soomaaliya aan si toos ah loo oggolaaneynin dalabka sanadka ah, oo taas baddalkeeda ay maxkamaddu qabaneyso wakhti go'an. ""Maxkamadda go'aanka ay arrintan ka qaadan karto wuxuu ku xiranyahay inay isla oggolaadaan labada dowladood ee ay arrintu khuseyso, laakiin marka aysan labada dhinac raalli iskaga ahayn, sidii markii dhaweydba dhacday oo kale, maxkamaddu waxay fiirineysaa codsigaasi, wayna qiimeyneysaa, markaasna waxay soo saareysaa amar ay Kenya ku siineyso inay labo bilood ku raadsadaan qareenno difaaca. Sababtoo ah marka uu waddan dhaho dib hanaloogu dhigo, taasina aan raalli looga ahayn, waxay maxkamaddu eegeysaa sida loogu qanci karo sababaha"". Kenya ayaa dhawaan laga oggolaaday in la siiyo wakhti labo bilood ah oo ay qareennadeeda ku diyaariso. Su'aasha ku saabsan in mar kale la siin karo wakhti dheeraad ah ayaan u bandhignay Garyaqaan Cabdikariim, wuxuuna yiri: ""Haddii labada dhinac ay wadahadal siyaasadeed ugu heshiiyaan in dib loo dhigo kiiska maxkamaddu way oggolaaneysaa laakiin haddii mid uusan raalli ka ahayn markaas uma maleynayo in Kenya laga oggolaan karo dalabkeeda, sababtoo an horay ayaa loo siiyay labo bilood oo ay qareenno difaaca ku raadsato"". KMuranka la xiriira xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa horseeday xiisad diblumaasiyadeed oo u dhaxeysa labada waddan ee dariska ah. Bilihii lasoo dhaafay ayuu cirka isku sii shareerayay khilaafkan, waxayna mas'uuliyiinta labada dal warbaahinta isku marsiinayeen hadallo kulkulul. Waxaa suurtagali waayay dadaallo ay si shakhsi ah hoggaamiyeyaasha goboilka iyo kuwa Afrika isugu dayayeen inay arrintan xal ugu helaan. Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa kulan magaalada Nairobi ka dhacay isugu geeyay madaxweyneyaasha Kenya iyo Soomaaliya, inkastoo natiijo fiican uusan noqonin. Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi, oo ah madaxa midowga Afrika ayaa isagana isbuucii lasoo dhaafay kulansiiyay labada hoggaamiye si uu isafgarad u dhaco. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir madaxeedkii Qaramada Midoobay ee dhawaan ka dhacay magaalada New York uga dhawaaqay in dowladdiisu ay arrinta ku saabsan kiiska badda uga war sugeyso maxkamadda ICJ oo kaliya, taasoo ka dhigan in wax wadahadal siyaasadeed ah aysan Soomaaliya diyaar u ahayn." https://www.bbc.com/somali/war-49936443 +entertainment Rishi Kapoor: Atoorihii caanka ahaa ee dhintay 'mar buu Soomaaliya aflagaadeeyay' "Rishi Kapoor, oo lagu tilmaami jiray halyeygii haasaawaha ee shirkadda filimada Bollywood-ka ee dalka Hindiya, wuxuu geeriyooday 30-kii bishii lasoo dhaafay. Jilaagaca oo 67 jir ahaa wuxuu u dhintay xanuunka kansarka, kaasoo uu muddo dheer la noolaa. Wuxuu qeyb ka ahaa jilayaasha reer Kapoor loo yaqaanno ee sanadaha badan aqlabiyadda ku lahaa filimada ugu caansan Boolywoodka. Sanadkii 2016-kii, Rishi wuxuu hadal ay dad badan ku dhaleeceeyeen oo ""aflagaaddo"" iyo ""cunsuriyad"" lagu tilmaamay ka sheegay Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, oo uu kaga hadlayay sida loo kala guuleystay tartankii ciyaaraha Olympic-da ayuu ku yiri: ""WARARKA OLYMPIC-da. Waxaa soo dhacday natiijadii soo shiraacday ee ugu horreysay. England waxay qaadatay dahab, Australia waxay qaadatay qalin, Soomaaliyana waxay qaataday doontii !!"" Qaar ka mid ah dadkii arkay qoraalkaas ayaa eedeyn kala dul dhacay jilaaga, waxayna qormadiisa ku qeexeen mid ka turjumeysa cunduriyad. Atoorahan wuxuu shaleemooyinka filimada lagu daawado qabsaday sanadkii 1973-kii, markaasoo uu doorkiisii ugu horreeyay oo hoggaamin ah uu ka qaatay filim ka hadlayay qiso jacayl oo dhalinyaro dhex martay. Laakiin markii ugu horreysay Rishi Kapoor wuxuu jilista filimada kasoo muuqday isagoo carruur ah sanadkii 1970-kii, wuxuuna ka qeyb qaatay filimkii uu aabihiis Raj Kapoor jilayay ee Mera Naam Joker. Qaar ka mid ah filimadiisii sida weyn loo daawaday waxay soo baxeey 1980-meyadii iyo 1990-meeyadii - waxaana ka mid ahaa Khel Khel Mein, Karz iyo Chandni - oo aad u gadmay. Kapoor wuxuu filim laga dabadhacay oo jacayl ahaa la sameeyay atariishada lagu magacaabo Neetu Singh. Lamaahanan ayaa jacaylkooda aan ku ekeynin jilitaan kaliya, waxayna is guursadeen sanadkii 1980-kii. Wiilkooda Ranbir Kapoor, wuxuu ka mid yahay jilayaasha hadda ugu caansan shirkadda Bollywood-ka, taageerada weynna heysta. Sanadkii 2018-kii Rishi Kapoor waxaa ku dhacay nooc ka mid ah kansarka. Bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu ku laabtay dalkiisa Hindiya, kaddib markii daweyn hal sano qaadatay loogu sameeyay magaalada New York ee dalka Mareykanka. Maalintii Arbacada ee isbuucii lasoo dhaafay ayaa loola cararay isbitaal kaddib markii uu ka cawday ciriiri xagga neefsashada ah, sida uu walaalkiis Randhir Kapoor u sheegay warbaahinta Hindiya. Wuxuu ahaa jilaagii lagaab ee Hindiya u dhashay oo hal isbuuc gudihiis dhinta. Malintii ka horreysay waxaa geeriyooday Irrfan Khan, oo isagana ka mid ahaa jilayaasha caanka ah. Irrfan ayaa isagana u dhintay nooc dhif ah oo ka mid ah cudurka kansarka." https://www.bbc.com/somali/war-52531194 +religion """Haweeney masiixiyad ah ayaan u ekeysiiyay gabar Soomaali ah oo xanuunsan""" "Mid ka mid ah wadaad diimeedyadii muranka ugu weyn hareeyay ee dalka Kenya ayaa la aasay , kaddib markii uu ku geeriyooday da'da 89. Ka hor inta uusan geeriyoonin wuxuu qirtay hal mar oo uu been sheegay. Beentaas ayaa qeyb ka ahayd ol'ilihiisii nabadda iyo caddaaladda ee uu ka waday dalka Kenya. Waxay ahayd dhacdo uu sameeyay markii uu haweeneyda ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka Prof Wangari Maathai, ku caawinayay inay ka baxsato booliska oo waday howlgallo baaxad leh oo ka dhan ah dadka u dooda xuquuqda aadanaha, horaantii 1990-meeyadii. Baadari Mwana a'Nzeki wuxuu markaas qeyb ka ahaa qorshe Prof Maathai lagu qarinayay loona ekeysiinayay haweeney muslim ah oo Soomaali ah. Arrintaasina waxay sababtay in la safriyo masaafe dhan ilaa 200km (125 miles), iyadoo intaasoo dhan lasii gudbinayay baro koontarool oo ay booliska leeyihiin. Waxaa la geeyay guri uu baadarigan ku lahaa magaalada Nakuru ee ku taalla gobolka caanka ka ah dalka Kenya ee Rift Valley. Prof Maathai, oo ahayd haweeney ku caan baxday u doodista xuquuqda aadanaha iyo deegaanka, ayaa xilliga la safrinayay waxay xirneyd xijaab, waxayna iyadoo iska dhigyesa qof indhoole ah indhaha ku taageysay ciidanka booliska kaddib markii darawalkeeda, oo isagana ahaa baadari kale, ay ciidanka ku khasbeen inuu istaago mid ka mid ah jidgooyooyinka ay sameysteen. ""Miyey xanuunsan tahay?"" ayey weydiiyeen booliska, oo la hadlayay darawalka. Baadarigii gaariga waday ayaa ku jawaabay haa way xanuunsan tahay, askartiina waxay islamarkiiba u oggolaadeen inuu sii socdo. Maalintii xigtay Prof Maathai ayaa shir kala qeyb gashay wadaad diimeedka. Booliska ayaa markii dambe shirkaas ka hor istaagay inuu sii socdo, laakiin baadariga wax cabsi ah kama muuqanin. Dadka uu caawinayay ee ay ku jirtay Prof Maathai, waxay bulshada dhexdeeda uga soo shaac baxeen si weyn, maadaama ay kasoo horjeesteen dowladdii lagu tilmaami jiray inay ""xukun adkeyd"" ee uu madaxweynaha ka ahaa Daniel arap Moi. Maurice Crowley, oo baadarigaas yaqaannay muddo 40 sano ah ayaa sheegay in lagu xasuusan doono ""geesinnimadii uu ku wajahay dadkii ugu awoodda badnaa dalka"", isagoo wax cabsi ahna aan muujineynin. ""Wuxuu mar kasta saaxiib la ahaa dadka uu u arkayay inay khaladka ku taagan yihiin, si uu u saxo, dadkana way u hoggaansami jireen"", ayuu yiri Crowley. Marka ay saaxiibadiis uga digaan inuu naftiisa khatar ku galinayo ficillada ka dhanka ah dowladda, wuxuu oran jiray ""hal mar unbaad dhimaneysaa""." https://www.bbc.com/somali/war-52244949 +politics Warar dheeraad ah oo ka soo kordhay toogashadii lagu dhaawacay Imran Khan "Raysal wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ka codsaday madaxa cadaaladda Umar Atta Bandyal inuu sameeyo guddi dhamaystiran oo baara eedeymaha Imran Khan ee ah in xubna sarsare oo dowladdaq ka tirsan ay soo maleegeen isku day khaarijin isaga ka dhan ah. Shahbaz Sharif ayaa sheegay in haddii codsigan maanta la aqbali waayo ay su’aalahaasi sii socon doonaan xilliyada soo socda, islamarkaana wararkan uu dhammaan doono oo kali ah marka xaqiiqada laga soo saaro maxkamadda. Raysal wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa dhanka kale ku eedeeyay Imran Khan inuu ka soo horjeestay hay'adda sirdoonka qarankaee ISI- iyo ciidamada, uuna soo jeediyay eedeymo aysan cidina ka fileyn. Shahbaz Sharif ayaa sheegay in Hindiya ay ka jirto farxad ku aadan hadalka Imran Khan.\n\nWaxa uu sheegay in eedeyma ""been abuur ah"" uu Imran Khan u soo jeediyay isaga, wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo 'sarkaalka kale oo sarsare'. Raysal Wasaaruha waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii lagu dhaawacay Imran Khan. Mr Shahbaz ayaa caafimaad degdeg ah u rajeeyay Imran Khan. Raysal wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa ku eedeeyay madaxwaynaha imika xilka haya, Shehbaz Sharif, inuu ku lug lahaa shirqool la doonayay in lagu dilo.\n Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo madaxa sirdoonka dalkaasi Faisal Named Naseera ayuu sidoo kale Mr Khan sheegay inay maleegeen shirqool isaga lagu dilayo. ""Saddexdan waxay go'aansadeen inay i dilaan,"" ayuu yiri Mr Khan.Dowladda Pakistaan ayaa beenisay eedeynta uu Mr Khan soo jeediyay. Dhanka kale booloiiska gobolka Wazirabad ayaa sheegay in ay qof kale u qabteen weerarkii lagu qaaday kolanyo uu la socday Imran Khan khamiistii.\n\nKooxo ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa helay diiwaanka dhammaan kaamirooyinka CCTV-ga ee waddada ay dhacdado ka dhacday. Booliiska ayaa hore u soo bandhigay nin ay sheegeen in uu gaystay weerarkii lagu qaaday Imran Khan.\n\nRai'sul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa dhankiisa maanta lagu wadaa in uu qabto shir jaraa'id oo uu uga hadlayo xaaladahii ugu dambeeyay. Waxaa sidoo kale la filayaa in Mr Khan laga soo saaro isbataalka oo uu maalmihii u dambeeyay looga daweynayay dhaawaca soo gaaray.\n\nMaxaa dhacay Khamiistii? Isu soo bixii xisbiga Imran Khan oo ka soo billowday Lahore kuna socday Islamabad ayaa gaaray Gujranwala oo ka tirsan gobolka Punjab. Kumannaan qof ayaa la socday kolonyadan. Imran Khan ayaa saarnaa gaari korka ka bannaan isaga iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga. Ka dibna qof ayaa billaabay inuu rasaas furo. Markii dambe waa laga itaal roonaaday ninkii weerarka geystay, waxaana ku dhawaacmay 14 qof , hal qofna waa uu ku naf waayey. Taas waxaa barbar socday, Imran Khan ayaa sidoo kale lugta laga toogtay. Imran Khan ayaa isla markiiba la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lohar, halkaasoo lagu sameeyay qalliin xalay xilli dambe, waxaana hadda la sheegay inuusan dhaawaciisa halis ahayn." https://www.bbc.com/somali/articles/c6pzq4ygr06o +politics Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya oo rasaas isku furay "Milatariga dowladda Kenya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayey israsaaseyn daqiiqado socotay dhex martay maalintii Sabtida, xilli ay ku wada sugnaayeen xadka u dhaxeeya labada waddan. Saraakiil maxalli ah iyo dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in isku dhaca labada ciidan uu yimid kaddib markii ciidanka Kenya ay rasaas ku fureen mudaharaadeyaal Soomaali ah oo xaggooda u sii dhawaanayay. Arrintan ayaa ka dhacday furinta ay ciidamada kala joogaan ee u dhaxeysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera, gaar ahaan meel u dhow xadka dhinaca Waqooyi ee ay labada dal la wadaagaan waddanka Itoobiya. Guddoomiyaha gobolka Gedo Nuur Xaaji Macalimow ayaa israsaaseynta dhex martay labada ciidan u xaqiijiyay BBC-da. ""Ciidammada Kenya ayaa rasaas ku furay dad mudaaharadayay kuna sugnaa agoob u dhaw xadka beledxaawa iyo Mandera. Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya ayaa iyagana ka jawaabay oo rasaas ku furay ciidammada Kenya"", ayuu yiri Nuur Xaaji Macalimow. Macallimuu ayaa intaasi ku daray in maanta uu jawiga xadka daggan yahay. Wuxuu ka codsaday dowladda federaalka inay soo farageliso arrinta dhacday. Ma jiro wax khasaare ah oo ay sababta israsaaseynta dhex martay labada ciidan iyo rasaasta ka horreysay ee lagu furay dadka rayidka ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP. Shacabka mudaharaadayay ayaa ka cadheysnaa dhacdo laga soo tabiyay deegaanka Yado ee u dhow degmada Ceelwaaq, halkaasoo la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay ku dileen hal wiil oo Soomaali ah sidoo kalena ku kaxeysteen saddex nin oo ay ku jiraan wiilka dhintay aabihiis iyo walaalkiis. Shir ay Aaxaddii shalay yeesheen madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland iyo golaha wasiirrada maamul goboleedkaas ayaa lagu sameeyay guddi ka kooban shan xubnood oo baadhitaan xaqiiqo raadin ah kusoo sameeya dhacdadaas. Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo guddigaas hor kacaya, ayaa BBC-da u sheegay in ay tallaabada ku habboon qaadi doonaan marka ay soo ogaadaan sida ay wax u dhaceen. ""Arrintaas mid nagu cusub ma aha, haddii aan xaqiijinno in dadka uu dhibka gaadhay ay shacab ahaayeen, waxaan la xisaabtameynaa ciddii dhibka u geysatay, waddo kasta oo saliim ah, oo dadkeennu ay ku daawoobi doonaan annaguna aan ku daawoobeyno ayaana mari doonnaa."" Ayuu yidhi Cabdirashiid Janan. Mas'uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin dhacdooyinkan. Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab, oo ku sugan meelaha u dhow xadka labada waddan ayaa si joogto ah weerarro ula beegsada ciidamada Kenya. Tan iyo sanadkii lasoo dhaafay, xidhiidhka Muqdisho iyo Nairobi ayaa soo maray marxalado kala duwan oo ay xiisado la socdeen. Labada waddan ayaa si gaar ah u wadaagay xasarado siyaasadeed oo salka ku haya gobollada Jubbaland, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee APF. Xiisadaha ayaa cirka isku shareeray bishii March ee sanadkan, kaddib markii ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ku dagaallameen meel u dhow magaalada Mandheera ee dalka Kenya." https://www.bbc.com/somali/war-54328028 +entertainment Lammaane xafladda arooskooda ku tagay digsi weyn gudihiis "Sawirro laga soo qaaday lammaane aroos ah oo dhex fadhiya digsi weyn oo dul sabbeynaya biyaha daadka ah ee waddooyinka ku fatahay ee koonfurta Hindiya, ayaa niyadda u dhisay dadka gobolkaas oo ay saameeyeen musiibooyinka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah. Waxa ay u egtahay in aysan jirin wax caqabad ah oo lammaanahan ka hor istaagi karay xafladooda arooska, xitaa daadadka daran ee ku dhuftay tuuladood. Akash iyo Aishwarya waxaa ka go'neyd in aysan ka baaqanin maalinta weyn ee arooskooda oo Isniintii ka dhacayay xaafadda Thalavady ee ka tirsan gobolka Kerala. Sawirrada lammaanaha, oo labadoodaba ah shaqaale caafimaad, ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana la arkayaa iyagoo adeegsanaya digsiga ay doonta ka dhiganayaan. Roobabka mahiigaanka ah ee ka da'ay gobolka Kerala ayaa sababay fatahaado waaweyn halka meelaha qaarna uu dhulka go'ay. Wabiyada ayaa qararka jabsaday, buundooyinka iyo waddooyinkuna waxay noqdeen kuwo ay biyaha cagta mariyaan. Meelaha qaar waxaa go'doon galay magaalooyin iyo xaafado dhan. Goobta uu ka dhacayay arooska Akash iyo Aishwarya, oo ah macbad yar oo ku yaalla Thalavady ayay sidoo kale daadadku u saameeyeen qayb ahaan. Lamaanahan ayaa digsiga weyn kasoo ergaday xarun kale oo ku taalla iska deegaanka, waxa ayna codsadeen in lagu caawiyo sidii ay biyaha ugu dhaqaajin lahaayeen doontooda macmalka ah ee ka sameysan digsiga cuntada lagu kariyo. Waxaa sawirrada laga arkayaa rag lamaanaha ku riixaya digsiga ay dhex fadhiyaan, xilli ay ku wareejinayeen waddooyinka si ay arooska u galbiyaan. ""Arooskii waxa uu isu baddalay mid aan waligiis noociisa lagu fakarin,"" ayay tiri Aishwarya oo ah aroosadda, mar ay la hadleysay warbaahinta maxalliga ah ee Asianet. Arooskan cusub ayaa sheegay in markii hore ay qorsheeyeen inay sameystaan munaasabad iska yar oo ay kasoo qayb galaan dad kooban oo ka mid ah xubnaha qoysaskooda, balse hadal heynta ka dhalatay arooskooda iyo sawirradooda faafay ayay u arkaan mid aad u xiiso galisay arooskooda, sababna u noqotay in laga ogaado meelo badan oo ka mid ah caalamka. Akash ayaa sheegay in isaga iyo gabadha uu guursaday ay maalinta arooskooda qorsheeyeen muddo ka hor, sidaas awgeedna aysan dooneynin inay dib usii dhigaan. Waxa uu intaas ku daray inay ku adkeysteen fulinta arooska, maadaama aysan ogeyn waxa kale ee dhici kara, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee PTI. Mar uu ka hadlayay digsiga ay doonta ka dhigteen ayuu sheegay inuu ahaa waxa kaliya ee ay sameyn kareen maadaama ay howshu ahayd mid deg deg ah." https://www.bbc.com/somali/war-58963904 +health Cayilka xad dhaafka ah 'oo lala xiriirinayo inuu dumarka ku ridi karo Kansar' kana daran yahay Sigaarka "Cayilka ayaa la filayaa inuu ilaa sannadka 2043-ka noqdo caqabad ka weyn sigaarka oo dumarka UK uu ku rido cudurka Kansarka, taasoo ka weyn xitaa sigaarka, wuxuuna noqon doonaa waxa ugu weyn ee mudan in laga hor tago, sida lagu saadaaliyay warbixin ay UK ka soo saareen koox cilmi baareyaal ah. Wakhti xaadirkaan, 12% ka mid ah haweenka uu ku dhacay kansarka waxaa sababtiisa lala xiriiriyay sigaarka, 7% ka mid ahna waxaa keenay cayilka iyo miisaanka xad dhaafka ah. Hase ahaatee, iyadoo ay hoos u dhaceyso tirada dadka caba sigaarka, isla markaana la filayo inuu sii kordho xaddiga dadka aadka u buuran, ayay khubaradu qiyaasayaan in farqigaasi uu ku soo af jarmi doono muddo 25 sano ah gudahood. Saadaasha la sameeyay ayaa lagu sheegay in saameynta hadda jirtana ay sii socon doonto. Cilmi baareyaasha cudurka kansarka ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in marka la gaaro sannadka 2035ka ay haweenka sigaarka caba ee uu ku dhaco kansarku tiro ahaan noqon doonaan 10% oo u dhiganta (qiyaastii 25,000 oo kiis), halka kuwa aadka u cayilan ee miisaankoodu xad dhaafka yahayna ay noqon doonaan 9% oo u dhiganta (qiyaastii 23,000 oo kiis). Marka la gaaro sannadka 2043kana, haddii ay saameyntaas sii socoto, haweenka aadka u buuran waxay halista cudurka kansarka uga dhawaan doonaan kuwa sigaarka caba. Casharro ku saabsan ka hortagista sigaar cabista Ragga ku nool dalka Ingiriiska, cayilku uma noqon doono sabab ka weyn sigaar cabista oo uu ka dhasho kansarka, waayo tirada ragga ah ee caba sigaarka ayaa aad uga badan haweenka. In kastoo ay aad u badan yihiin tirada ragga uu cayilkooda xad dhaafka yahay, haddana dumarka ayaa la filayaa inuu cayilka ku yeesho saameynta ugu ballaaran ee uu ka abuurmo kansarka. Warbixinta ay khubarada soo saareen ayaa lagu sheegay in noocyada kansarka ee ka dhasha sigaarka ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca maqaarka, sambabbada, beer-yarada, mindhicirrada iyo caloosha. Noocyada kansarka ee uu sababo cayilka waxaa iyana ka mid ah kansarka ku dhaca kelyaha, beerka, naasaha, minka, mindhicirrada, beeryarada iyo dhuunta. Barfasoor Linda Bauld, oo ka mid ah khubarada cilmi baarista sameysay ayaa sheegtay in dowladda Ingiriiska looga baahanyahay iney dadka siiso casharro looga hortagayo sigaar cabista, si loo yareeyo xaddiga kansarka ee ka dhasha miisaanka badan. Haweeneydaan ayaa sheegtay in dadka carruurnimadoodii ku cayilnaa uu inta badan culeyskoodu shan laab noqdo marka ay waynaadaan. Daraasadihii ugu dambeeyay ee la sameeyay ayaa muujiyay in carruurta ku nool Ingiriiska ee uu cayilkooda xad dhaafka yahay ay sii badanayeen tobankii sano ee ugu dambeeyay. 'In hadda wax laga qabto' ""Waa sababtaas waxa aan hadda u sameyneyno wacyi galinta ku saabsan farqiga u dhaxeeya sigaar cabista iyo cayilka, iyo sida ay u sababaan kansarka"" ayay tiri Prof Bauld. Waxay ku talisay in hadda wax la qabto oo si weyn loola tacaalo cayilka carruurta, lagana hortago inuu miisaankoodu xad dhaaf noqdo. Wacyi galin in muddo ahba laga sameynayay halista sigaar cabista ayay sheegtay in guul laga gaaray oo ay hoos u sii dhaceyso tirada dadka sigaarka caba. ""Laakin, wali waa in la sii wado dadaalka ku aaddan in dadweynaha laga caawiyo sidii ay sigaarka u joojin lahaayeen, waxaan sidoo kale u baahannahay inaan hakinno xaddiga kansarka ee ka dhasha miisaanka faraha badan"" ayay tiri." https://www.bbc.com/somali/war-48869973 +health Coronavirus: Sida kala fogaanshaha uu u saameeyay weriyayaasha BBC Somali Xafiiska BBC ee Nairobi ayaa ka mid ah goobaha uu saameeyay fayraska corona iyadoo shaqaalaha loo sheegay inay kala fogaadaan. https://www.bbc.com/somali/war-52245238 +technology Facebook oo laga dalbaday inuu mamnuuco aflagaadooyinka ka dhanka ah diinta Islaamka "Ra'iisul Wasaaraha Pakistaan Cimraan Khaan ayaa warqad u qoray milkiilaha shirkadda Faceboobka Mark Zuckerberg oo uu kaga codsanayo in shirkaddiisa laga mamnuuco qoraallada ama hadallada ku saabsan islaam naceybka. Warqadda uu Mr Khaan u diray milkiikaha Facebooka wuxuu ku sheegay ""Inay soo kordhayaan wararka la xiriira islaam naceybka"" tallaabadaasina ay horseedi karto ""Naceyb, xagjirnimo iyo qalalaase"" dhammaan in ficiladaas laisku marsinaayo baraha bulshada. Hadalka Ra'iisul Wasaaraha Pakistaan ayaa imaanayaa xilli dhawaan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron lagu eedeeyay inuu ""Weerarayo islaamka"" Shirkadda Facebook waxay horey u dhaqan gelisay tallaaboloyin ay boggeeda uga saareyso qorallaada ama hadallada naceybka abuuri karo ee ku saleysan in weerar toos ah oo dhanka afka ah lagu qaado midibka qofka, qabiilka ama diinta iyo hadallada ka dhanka ah dhaqamada qaar. Khaan wuxuu ugu baaqay shirkadda Facebook inay meesha ka saarto hadallada ka dhan ah diinta islaamka. ""Waxaan ka codsanaynaa Facebook in uu boggiisa uu ka mamnuuco hadallada ama qoraallada ku saabsan islaam naceybka"" ""Farriinta abuuri karto naceybka waa in gebi ahaan la mamnuucaa- farriimaha naceybka dhalin karo ayaanan loo ogoleyn dadka qaar halka isla arrintan dad kale loo ogolyahay"" Axaddii Ra'iisul Wasaaraha Pakistaan wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Faransiiska in uu wado weerarka afka ah oo ka dhan islaamka. Hadalka Macron ayaa imaanayaa kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabad baroor diiq loogu sameynayay macalinkii u dhashay dalkaas oo la dilay kaddib markii ardey uu tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed N.N.K.H.H. Macron wuxuu sheegay in macalinka loo dilay ""in islaamiyiinta ay doonayaan inay la wareegaan mustaqbalkeena"" isla markaana ""Faransiiska uusan weligiis is dhiibi doonin"" Mr Khan ayaa Twitter-ka ugu jawaabay Macron, wuxuuna yiri ""Waxaa nasiib darro ah in Macron uu wado falal ku saabsan islaam naceybka oo uu weerarayo islaamka intii uu weerari lahaa argagixisada dhibka geysatay"" Modi iyo Khan: Dacaayadda dagaalka yaa ku guuleystay? Dibadbaxyo ""dumarka laga mamnuucay"" oo ka dhacay Pakistan Wejiyada badan ee Cimraan Khan Mr Khan oo haataan cadaadis xooggan kala kulmaya xisbiyada ka tirsan isbaheysiga mucaaradka ayaa looga bartay in uu jeediyo hadallada diinta lagu taageerayo si uu u xoojiyo danahiisa siyaasadeed. Alaabaha Faransiiska ayaa laga saaray dukaamo ku yaal Kuawait, Urdun iyo Qatar, halka dibedbaxyo kooban oo Faransiiska ka dhan ah ay ka dhaceen Liibiya, Gaza iyo waqooyiga Suuriya. Wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa ku tilmaantay tallaabadaas mid aan ""Sal iyo raad toona aanan laheyn"" oo ay tahay si deg deg ah loo joojiyo. Ma ahan markii ugu horreysay ay Pakistaan ka codsato Facebook inay baaritaan ku sameyso waxyaabaha lasoo gelinayo halkaas ee ka dhanka ah islaamka. Sanadkii 2017-kii, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistaan Nawaz Shariif ayaa ugu baaqay shirkadda Facebook inay baaritaan ku sameyso qoraallo ama hadallo lagu aflagaadeynayo diinta islaamka, lamana ogo waxa uu ugala jeeday hadalkaas. Balse dadka dhaleeceeya sharciga ka dhanka ah aflagaadeynta diinta ayaa sheegayaa in mararka qaar sharcigan lagu beegsado dadka laga tiro badan yahay, sharcigaas oo dhigaya xukun dil ah." https://www.bbc.com/somali/war-54694863 +technology Nin telefishinka toos uga qirtay fal dil ah oo uu geystay "Nin u dhashay dalka Hindiya oo si toos ah telefishinka uga qirtay inuu dilay saaxiibaddiis, oo lagu magacaabi jiray Sarbjit Kaur, ayaa lagu xiray studio-ga, ka dib markii ay shaqaalihii warbaahintaas waceen booliska. Maninder Singh, oo 27 jir ah, ayaa tagay xafiiska telefsihinka News18, oo ku yaalla magaalada Waqooyiga dhacda ee Chandigarh. Markii uu xafiiska tagay ayuu nin kooxda kaamirada ka shaqeyso ah u sheegay inuu doonayo inuu sameeyo ""qiraal"". Shaqaalihii ayaa markaas ka dib u kaxeeyay studo-ga, waxaana si toos ah loo baahiyay ""qiraalkiisa"". Dhacdadan oo siyaabo kala duwan loo fasirtay ayaa buuq ka dhex dhalisay shuruucda saxaafadda. Mr Singh ayaa wariyaha wareysiga ka qaadayay u sheegay inuu dilay Kaur, uuna falkaas u sameeyay sababo la xiriira inuu labada qoys soo kala dhex galay khilaaf salka ku haya guurkooda. Wuxuu intaas ku daray inuu ""qiraalka"" u sameynayo maadaama ay boolisku dhibaato ku hayaan qoyskiisa, tan iyo markii gabadha meydkeeda laga helay hoteel ay lamaanaha dageen, 30-kii bishii December, 2019. Ninkan ayaa ilaa xilligaas baxsad ahaa. ""Wuxuu rabay inuu caanbaxo, naxariisna loo sameeyo, sidoo kalena uu kiiskiisa qabto qareen u dooda, maadaama uusan heysanin lacag uu isku difaaco"", waxaa sidaas BBC Punjabi u sheegay sarkaal ka tirsan booliska magaalada Chandigarh. Mr Singh wuxuu sheegay in qoyska Kaur ay kasoo hor-jeesteen guurkooda, maadaama uu isagu kasoo jeedo qabiil kale oo aysan isku dabaqad ahayn. Booliska gobolka Punjab ayaa BBC-da u sheegay in Mr Singh sidoo kale looga shakisan yahay inuu dilay gabar kale oo saaxiib la ahayd, taasoo kasoo jeedday gobolka dariska la ah ee Haryana. Ninkan ayaa lagu sii daayay dammaanad, waxaana ku socda baaritaanno." https://www.bbc.com/somali/war-51137702 +health Mas halis ah oo daawadiisa laga helo hal dal "Mid ka mid ah masaska ugu khatarta badan caalamka ayaa laga helay magaalada Salford ka dib markii lagu arkay markab xamuul oo ka yimid dhinaca Pakistan. Maskan ayaa laga dhex helay weel laga sameeyay bulukeeti, kaasoo bishii hore lagu wareejiyay nin ka shaqeeyay arrimaha dhismooyinka oo ku sugnaa magaalada Manchester. Sarkaal ka tirsan waaxda ka shaqeysa badbaadinta xayawaanada ee UK, RSPCA oo lagu magacaabo Ryan King ayaa loo yeeray si uu badbaadiyo maskan sunta ah. Waxa uu durbadiiba sheegay in uu ogaaday in maskan ""uu awood u leeyahay in uu dadka ku laayo suntiisa."" ""Mararka qaar waxaan helnaa shaqooyin noocan ah, waxaan masaska u baddalnaa kuwa aysan wax dhib ah kaa soo gaareynin dadka"" ayuu yiri. ""Xitaa waxaan aragnay dhacdooyin la xiriira masas isku dhex qariyay alaabaha caagga ka sameysan ay carruurta ku ciyaaraan"" Mr King waxa uu sheegay in uu isla markiiba gartay ka dib markii uu ""eegay"" sida uu maska uu halis u yahay. Darawal ka howlgalayay shirkad badeecadaha dejiso ayaa arkay maska xilli uu ku sugnaa waddada Langley ee UK. Waxaana maska lagu xiray sanduuq, waxaana durbadiiba lagu wargeliyay waaxda ka shaqeysa badbaadinta xayawaanada ee UK ee RSPCA. """"Waan fahansanaa sida aan iskaga ilaalin lahaa naftayda, laakiin hubaal ma aanan garanayn sida maskan halis u yahay - waan naxay,"" ayuu yiri. Maskan wuxuu kamid yahay masaska sida weyn looga yaqaanno qaaradda Aasiya, waxaa loo wareejiyay xarun gaar ah oo shati u leh in lagu daweeyo xamaaratada sunta ah. Dalka Hindiya, halkaas oo qiyaastii kala bar qaniinyada masaska adduunka lagu qiyaaso inay ka dhacaan, masaska waa mid ka mid ah afar nooc oo si wada jir ah loogu tiriyo tirada ugu badan ee dhimashada aadanaha, sida ay sheegtay waaxda RSPCA. Mas baajiyay duulimaad u socday Dubay ""Abeeso ayaa iigu dhuumatay musqusha"" Daawo mas naadir ah oo labo madax leh oo laga helay Mareykanka Mr King ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in maskaasi uu ka badbaaday safarkaasi uuna ku noolaado dhowr todobaad cimilo sidaa u qabow. ""Aad bay u yar tahay, si fudud ayuu qofka u qaniinayaa, waxay u muuqataa inuu ku jiray bulukeetiga saarnaa markabka dhexdiisa muddo bil ku dhow,"" ayuu yiri King. Wuxuu sheegay in ciddii uu qaniino maskan daawadiisa looga heli karo oo kaliya ah dalkii asaal ahaan uu ka yimid. ""Daawada ka hortaggeyso sunta maskan waxaa badanaa laga helaa dalalka uu maskan ka yimid laakiin aad bey suntiisa u xun tahay- aad bey u adagtahay in qofka uu qaniino maskan la badbaadiyo""" https://www.bbc.com/somali/59790583 +health "Gabadhan saaxiibteed ayaa u dhashay cunugii ""ay u dhiman lahayd haddey uurkiisa yeelan lahayd""" "Haweeney ay dhakhaatiirta u sheegeen in ay dhiman karto haddii ay uur yeelato, maadaama ay qabtay xanuun halis ah qabtay, ayaa ugu dambeyn hooyo noqotay kaddib markii saaxiibteeda ugu qaalisan ay u qaadday uurka, una dhashay. Emma Graves, oo kasoo jeedda magaalada Wolverhampton ee dalka UK, ayaa bishii November dhashay Harry iyadoo horay u aqbashay in ay qaadi doonto uurka cunugga Sophie Tristram. Xayiraaddii corona ayaa xaaladda sii adkeysay, labada gabdhood ee saaxiibbada ahna ma aysan is arki karin intii uu cunugga caloosha ku jiray. Mrs Tristram waxay sheegtay in aysan jirin erayo ay ku cabbiri karto sida ay ugu mahad celineyso saaxiibteed, oo u qabatay howl aad muhiim u ah. Inkastoo haweenka qaba cudurka ay la nooshahay Mrs Tristram ay dhali karaan, haddana haweeneydan ayaa bakteeriya ka qabtay sambabbada, waxaana haddii ay uur yeelato ku dhici lahaa neef qabatoon ay suurtagal ahaan lahayd in ay u geeriyooto. Waxay sheegtay in khubarada caafimaadka ay uga digeen inay uur qaaddo. ""Haweeney kasta waxay u maleyneysaa in ay awood u yeelan doonto inay uurka cuniggeeda yeelato, in arrintaas la iiga digayna waxay igu kalliftay inaan madaxa kor u qaadi waayo muddo dheer,"" ayay tidhi Mrs Tristram. Iyada iyo ninkeeda Ben ayaa markii dambe isla go'aansaday inay sameeyaan wadatashi baahsan oo la xiriira inuu qof kale cunuggooda uurkiisa u qaado, waxayna ugu horreysan ka billaabeen qoyskooda dhexdiisa. Paul Graves, oo ah Emma ninkeeda ayaa markii ugu horreysayba soo jeediyay in xaaskiisa ay arrintan aqbali karto. ""Wuxuu lasoo hadlay xaaskiisa kaddibna halkaas ayey wax walba ka billowdeen runtii,"" ayay tidhi Paul Graves. Hayad caafimaad oo fulisa howlaha beerista uurka ayaa wax walba u qabatay. Maalintii ugu horreysay ee uu Ra'iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ku dhawaaqay xayiraaddii koowaad ee fayraska corona, waxay ogaadeen in Mrs Graves ay uur leedahay. ""Emma kaligeed ayaa aadi jirtay dhammaan ballamihii dhakhtarta intii ay uurka lahayd, taasina dabcan waa arrin adag,"" ayay tidhi Mrs Tristram. Hase yeeshee, waxay sheegtay in Emma ay lasoo socodsiin jirtay wax walba oo ay la kulanto iyo dhaqdhaqaaqa cunuga markii uu uurka ku jiray. ""Ma jiro wax aan waligey ku gudi karo abaalkeeda ama aan hadal ahaan ugu dhihi karo si aan ugu muuhiyo mahad celin ku aaddan waxa ay ii sameysay,"" ayay tidhi. Mrs Graves, oo 37 jir ah, ayaa sheegtay in ay waqti ka fikireysay go'aankaas, iyadoo lasoo hadashay gabdhaheeda waaweyn, oo ay da'doodu kala tahay 16 iyo 19, markaas kaddibna ay aqbashay. ""Wax walba si aad iyo aad u fiican ayey u dhaceen, dhibaato ma aanan kala kulmin, wax iiga fiican maba jirin,"" ayay tidhi. Waxay Sophie sheegtay in aysan wiilkeeda Harry u arkin sida ay iyadu rabi lahayd, laakiin mar walba looga soo warbixiyo, muuqaalna lagu tuso. Sidoo kale waxaa looga soo qaadaa sawirro joogto ah, sida ay sheegtay. ""Harry wuxuu ii ahaa farxad kusoo gabagabowday sanad jahwareer ah,"" ayey sii raacisay hadalkeeda." https://www.bbc.com/somali/war-56436522 +sports Manchester City ayaa Real Madrid 2-1 ku dubatay tartanka horyaalka yurub "Manchester City ayaa u gudubtay wareegga siddeedda ee tartanka horyaalka Yurub ee Champions League kaddib marki ay Real madrid kaga adkaatay 2-1. Orodki guusha ee ay Machester soo wadday waxay u suuraga gelisay iney soo gaarto wareegga siddeedaad ee horyaalka yurub. Qaybti hore ee ciyaarta Manchester City iyo Real Madrid waxay isla dhaafi waayeen barbarbdhac 1-1. Daqiiqadda 9-aad ayaa goolka ugu horreeyay ciyaarta ku hoggaamisay iyada oo Man City uu goolkeeda ugu horreeyey uu u saxeexay Laacibka Raheem Sterling. Daqiiqadda 8-aad Real Madrid ayaa iyaduna dhalisay gool ay isaga gudday goolki lagu lahaa waxaana goolkaasi u dhaliyey Karim Benzema. Daqiiqadda 68-aad Manchester City ayaa markale u dhacday shabaqa kooxda Real Madrid oo dhalisay goolki labaad oo ay ciyaarta ku hogaamineysay ayna ku hanatay guusha ciyaartan waxaana Man city u dhaliyey weeraryahanka u dhashay dalka brazil Gabriel Jesus. Labada kooxood ciyaarta qaybteeda labaad markay isugu soo laabteen waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanagsan oo ay koox kastaba ku dooneysay iney goolal kale dhashadaan si ay guusha u raacdo. Kooxda Manchester City oo kooxda Real Madrid oo marti ugu ahayd garoonka Etihad ayaa guusha 2-1 ay ciyaartaasi ka soo hoyday u suuragelisay iney iska xaadiriso wareegga siddeedaad ee horyaalka yurub ee loo yaqaanno Champions League. Tababaraha kooxda real madrid Zinadine Zidane wuxuu qirtay inuu khaladaad sameeyey, khaladaadkaasi oo ay ka mid ahaayeen iney si wanaagsan u akhrisan kooxda ka soo horjeedda sida ay u safan yihiin qaabka ciyaartooda, ciyaartooydoda sida ay usafteen. Kulanka labada kooxood dhexmaray kaddib waxay kaamirooyinka garoonka qabteen labada tababare waa tababaraha Man City Pep Guardiola iyo Tababaraha rael Zinedin Zidan oo wada hadlaya. Euro Sport oo tababaraha Man City weydiisay waxa ay ka wada hadleen wuxuu sheegay inuu uga hambalyeynayey guushaay ka gaareen hoyaalka La Liigaha iyo arrima la xiriia qoyskisa. Tababaraha real madrid Zinedine Zidane wuxuu yiri: ""Dhab ahaan ma faraxsanin, waxaan ku gull darreysannay ciyaar muhiim ah sidaasuu nooga suurageli waayey inaan wareegga siddeedda u gudbno."" ""Waan ku faraxsannahay guulaha aan ka gaarnay xilli ciyaareedkan, waxanui waa kubbad. Waxaa naga guuleysatay koox aad u wanaagsan guul darradana waa inaan aqbalnaa. Wey na soo mareen fursado aan goolal ku dhalin karnay."" ""Waxaan sii ahaanayaa madaxa Kooxda real madrid haddii ay dhicin arrin lama filaan ah."" ""Uma baahnid inaad cid kale su'aal ka weydiisid mustaqbalkeyga. Dhammaanteen wxaan u baahannahay nasasho si aan xilli ciyaareeda xiga aan isugu soo diyaarinno.""" https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-53704107 +health Cudurka cusub ee halka qof dilay balse laga cabsi qabo in uu dad badan galaafto Todobaadkii la soo dhaafay Hay'adda badbaadada Caafimaadka ee UK ayaa ka war bixisay saddex xaaladood oo qandhada Lassa ah, wuuxuuna fayraskan ilaa hadda dilay cunug yar oo markaas dhashay. Wiilka yar ayaa fayraska ugu geeriyooday waddanka Britain. Haddaba kuwani waa su'aalaha la iska weydiinayo cudurkan laga baqayo in uu baddelo caabuqa corona, oo dadku ay rabaan inay wax ka ogaadaan Halkee ayuu asal ahaan ka yimid Cudurkan Cusub ee loo yaqaano Lassar fever ama Xummadda Lesser? Sida laga soo xigtay bogga Xarunta Xakamaynta iyo Ka hortagga Cudurrada ee Maraykanka, Xumadda Lassa waa cudur ka yimid dhanka xayawaanka oo kuna dhaca xayawaanka ku nool dalalka Galbeedka Afrika sida Sierra Leone, Liberia, Guinea iyo Nigeria. Cudurkan waxaa sababa fayraska Lassa oo loogu magac daray magaalo Nigeria ku taalla, halkaasoo markii ugu horreysay laga soo sheegay sanadkii 1969-kii. Fayrasku waxa uu gaar ahaan ka yimid Jiir Afrika ku nool oo dadka qaar ay cunaan. Jiirka Afrika ku nool ayaa si caadi ah looga helaa qaybaha kale ee wadamadda Afrika, halkaas oo uu fayraskan Lassa si fudud ugu sii faafi karo dhamaan waddamadda. Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka waxay sheegtay in waddamada deriska la ah waddamada Galbeedka Afrika ay halis ugu jiraan in uu ku faafo caabuqa uu keeno fayraska Lassa. Maadaama jiirku uu jecel yahay in uu ku faafo meelaha u dhow goobaha dadku deggen yahay, waxay u gudbin karaan fayraska bini'aadamka iyaga oo wasakheyn kara cuntada ama xitaa toos u wasakheeya goobaha cuntooyinka lagu karsado. Bini'aadamku waxay ku qaadi karaan fayraska Lassa marka ay neefsadaan qayb ka mid ah fayraska ama qaadashada cuntada wasakhaysan ee fayrasku saameeyay. Marka qofka uu qaado, fayrasku wuxuu u sii gudbin karaa qof kale hadii ay isweydaarsadaan dareeraha jidhka sida candhuufta ama qofka uu soo gaaro dhiigga qofka cudurkan qaba, unugyadda, ama saxarada qofka qaba ayaa sidoo kale laga helaa cudurka. Bukaannada jooga dalka UK oo cudurkan hadda la il daran ayaa waxaa ay dhawaan safar ku tageen wadamada Galbeedka Afrika. Hadaba maxay yhiin calaamadaha lagu karan karo qofka qabo vayruska Lassa? Calaamadaha xumadda Lassa ayaa waxaa qofka lagu arkaa toddobaad ugu horeeya ama ilaa iyo saddex toddobaad marka uu qofka ku dhaco, calaamaduhu intooda badan waa kuwo fudud waxaana kamid sida qandho yar , daal, iyo madax xanuun. Qiyaastii 20 boqolkiiba dadka uu ku dhaco cudurkan waxaa suura gal ah in ay isku arkaan dhibaato dhanka neefsashada ah, matag soo noqnoqda, barar wajiga ah, xanuunka lab xanuun ,dhabar xanuun, dhiigbax, dhiigbax gudaha ama dibadda ah oo ka yimaada indhaha, sanka, ama cirridka. Cudurkan ma waxa uu noqon doonaa cudur dunida saameyn ku yeesho sida Corona oo kale ? Nasiib wanaag, cudurku uma fido si dhakhsi aha sida coronavirus oo kale , oo aan wali la rajeyneyno in laga soo kabsano. Iyadoo qof-ka-qof u gudbintu ay suurtogal tahay, waxay sidoo kale u baahan tahay in labada qof ay is-dhaafsadaan dareeraha jidhka, taas oo aan caadi ahaan ku dhicin xaaladaha caadiga ah. Xaaladda qoyska dhalay canugii dhawaan dhashay oo u dhintay cudurkan oo ku nool U.K oo labaaraay ma muujin in caabuqu uu ku sii fiday iyaga sidoo kale Shaqaalaha isbitaalkaasi lagu daweynayay willka dhintay ayaa loo sheegay in ay galaan karantiil muddo laba toddobaad ah. Sideed kiis oo ah fayraska Lassa ayaa ilaa iyo 1980-meeyadii lagu arkay wadanka UK, iyadoo labadii kiis ee ugu dambeeyay la arkay sanadii 2009. Khatarta guud ee dadweynaha waa mid aad u hooseysa. https://www.bbc.com/somali/war-60416978 +politics "Taliban: Afar dal oo ka faa'idaya ""Jabka"" reer Galbeedka ee Afghanistan" "Mareykanka iyo dalal badan oo Reer Galbeed ah ayaa u kala cararaya sidii ay muwaadiniintooda uga saari lahaayeen Afghanistan ka dib markii Taalibaan ay qabsadeen caasimadda dalkaas ee Kabul. Balse waxaa jiro dalal aan ka walwalsaneyn in ay sii wadaan xiriirka ay la leyihiin hogaamiyayaasha Taalibaan ee hadda maamulaya Afghanistan. Waxaa muuqato in dalalkan ay ka faa'ideysanayaan cabsida Mareykanka iyo xulufadiisa ay muujiyeen tan iyo markii Taalibaan xukunka la wareegeen. Dalalkaas waxaa ka mid ah Shiinaha, Ruushka, Pakistan iyo Qatar. Maxay tahay sababta aysan dalalka uga walwalsanayn in Taliban ay xukunka la wareegto? Waxay horey u sheegeen inay sii wadi doonaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Afghanistan oo xitaa ay lacag siin doonaan kooxda si ay u sii wadaan dadaalkooda ku aaddan sidii dowlad cusub loogu soo dhisi lahaa dalka. Ka dib markii xukunka laga tuuray dowladda Afghanistan, waxaa socday olole qarsoodi ah oo la sheegay in lagu gaarayay Taliban, taasi oo faa'iido u leh madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin. Qoraal ahaan kooxda waxay mamnuucday Moscow, illaa iyo hadda dowladda Ruushka ma aysan caddeyn mowqifkeeda ku aadan in ay ururkan u aqoonsanayaan dowladda sharciga ah ee Afghanistan iyo in kale. Laakiin bayaan uu toddobaadkan soo saaray wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa lagu shaaciyay in Ruushka uu wada-hadallo la bilaabay Taalibaan, oo ay sheegeen in ay ""bilaabeen in ay soo celiyaan kala dambayntii"" Kabul iyo qaybaha kale ee dalka. Iyadoo Taliban ay la wareegeen magaalada Kabul, ciidamada Mareykanka ee taageerayay Ashraf Ghani ay baxayaan, wuxuu Ruushka caddeeyay in uusan soo afjari donin howlahooda diblomaasiyadeed ee dalkaas. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen, in sababta aysan xiriirka u jareynin ay tahay in Taalibaan ay dalka qabsadeen iyagoo aan iska caabin kala kulmin Mareykanka, xulafadiisa iyo ciidamadii Afghanistan uu u tababaray. Diblumaasiyad ahaan, Ruushka ayaa taageeraya Taalibaan, waxayna Ruushka sheegeen in ay diyaar u yihiin kulan ka dhaca Moscow oo ay ka qaybgalayaan Taalibaan, iyo dhinacyada kale, si loo siiyo ururkan aqoonsi caalami ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in Taalibaan ay hub ka hesho Ruushka, inkasta oo Ruushku marar badan uu beeniyay inay hubeeyeen dagaalyahannada kooxda. Markii ugu horraysay ee Taalibaan ay xukunto Afghanistan, sannadkii 1996, Shiinaha waxay diideen in ay aqoonsadaan, waxayna xireen safaaraddii ay Kabul ku lahayeen. Laakiin hadda dawladda Shiinuha waxay noqotay waddankii ugu horreeyey ee taageeray Taalibaan. Kacdoonka Shiinaha ayaa yimid laba toddobaad uun ka hor markii wasiirka arrimaha dibadda, Wang Yi, uu wafdiga Taliban ka socday ku soo dhoweeyay waqooyiga Tianjin, maadaama ay ku jireen marxaladihii ugu dambeeyay ee xilka looga tuurayay Madaxweyne Ashraf Ghani, oo Axaddii dalka ka baxsaday. Wang wuxuu ammaanay kooxda, isagoo sheegay in ay leeyihiin ""mas'uuliyado muhiim ah"" si ay u maamulaan Afgaanistaan. Hadalkaas wuxuu sii xoojiyay Taalibaan iyo sharci ahaanshiyaha waxyaabaha ay sameynayaan, iyada oo ay jirto in dad badan ay dhaliileen ficiladooda dhiirrigeliya argagaxisada iyo cadaadinta haweenka. Shiinaha wuxuu ka baqayaa in xagjirnimada Islaamiga ah ay ka so ifbaxdo bulshada laga tirada badan yahay ee Uyghur, oo cadaadis badan kala kulmaya dalkaas. Shiinaha ayaa sidoo kale doonaya in uu sii wado kobcinta dhaqaalaha, iyada oo u sii mareysa beesha caalamka, dhaqaalahaas oo gaaraya $14.7 tiriliyan - oo 17 jeer ka badan dhaqaalihii 1996. Laakiin xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha ayaa keenay in Shiinaha uu sii wado xoojinta galaangalkiisa iyo inuu yareeyo awoodda Maraykanka ee waddammada uu Maraykanka xididdada u siibay. Taas waa fursad uu Madaxweyne Xi Jinping uu doonayo in uu adeegsado si uu cadawgiisa, gaar ahaan Mareykanka, uu uga saaro goobaha xuduudahiisa ugana hortago in loo soo dhawaado. Tani waa waxa ka dhigaya in Shiinaha uu u ekaado dalka ugu weyn ee galaagalka ku yeesha Afghanistan iyadoo Taalibaan isu diyaarinayaan in ay ku dhawaaqaan in ay dalkaas ku xukumayaan shareecada Islaamka. Ra'iisul wasaaraha Pakistan, Cimran Khan ayaa Isniintii sheegay in Afghanistan ay jebisay, iskana saartay silsiladihii addoonsiga, ka dib markii ay burburtay dowladdii dalkaas. Mid ka mid ah danjirayaashii Pakistan ee ugu galaangalka badnaa, Asad Majeed Khan, ayaa mar uu ka hadlayay shirkii nabadda ee USIP, July 7, 2021, waxaa uu ka sheegay: ""Maalgashiga nabadda ee Afghanistan waa sida kaliya ee lagu yareyn karo argagixisada."" Laakiin maxay uga dhigan tahay in Taalibaan ay la wareegto talada Afghanistan? Marka la soo koobo, Mareykanka iyo muwaadiniin badan oo Afghanistan u dhashay, waxay ka xanaaqeen tallaabada ay Pakistan ku taageertay Taliban, taas oo keentay in xiriirka Pakistan iyo Mareykanka uu xumaado. Wararka ayaa sheegaya in guusha Pakistan ay tahay mid ay dano gaar ah ka leedahay inkastoo ay saraakiisha dalkaas nukliyeerka haysta ay beeniyeen arrintaas. Sida lagu sheegay warbixinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaa jirto in ka badan 6,000 oo argagixiso ah oo ka hawlgala xadka Afghanistan, kuwaas oo xiriir la leh Taalibaan. Maadaama Taliban ay taageereyso Pakistan, waxaa laga yaabaa inay dareento ammaan. Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in dhawaaca Taliban ee muddadii 20 sano ahayd lagu daweyn jiray dalka Pakistan. Qatar ayaa xubin muhiim ah ka ahayd geedi socodka nabadeynta Afghanistan, waxayna waday wadahadallo nabadeed oo dhexmarayay xukuumadii la riday iyo Taalibaan. Waxa kale oo ay si weyn u taageertay ururka Taalibaan, oo lagu tilmaamay inay taageerto garabkooda siyaasadda, si ay u siiso aqoonsi caalami ah. Taalibaan hadda waa awoodda maamusha Afghanistan. Qadar ayaa noqon karta dalka helo faa'iideystaha ugu horreeysa, ka dib markii ay sidoo kale gar-wadeen ka ahayd wadahadaladii Mareykanka iyo Taliban. Wada-xaajoodkaas ayaa ka caawiyay Mareykanka inuu ciidamadiisa kala baxo Afghanistan, iyo sii-daynta maxaabiista siyaasadda iyo militariga ee xabsiyada Afghanistan ku xirnaa. Ka dib markii ay Taliban la wareegeen awoodda, waxaa la filayay in kooxda ay taageero maaliyadeed oo weyn ka hesho Qatar, oo sidoo kale la filayo in ay sii xoojiso dadaalladeeda Bartamaha Aasiya iyo nawaaxigeeda ee dhaqdhaqaaqyadeeda dhaqaale." https://www.bbc.com/somali/war-58265382 +politics Mareykanka: Maxaa sarkaalkan loogu aqoonsaday 'geesi'? "Sarkaal ka tirsan booliska Capitol ayaa lagu tilmaamay geesi kaddib markii uu koox weerar soo qaadday ka mashquuliyay inay galaan dhismaha Aqalka Sare, intii ay socdeen qalalaasihii uu dhiigga ku daatay ee ka dhacay dhismahaas. Muuqaal laga soo duubay goobta, ayaa muujinaya sarkaalka oo lagu magacaabo Eugene Goodman, oo dhowr tallaabo uun u jira kooxda iyaga oo ku cayrsanaya jaranjarada. Mr Goodman ayaa kaddib la arkayaa isaga oo hortaagan halka laga galo Senate-ka kahor inta uusan raggii weerarka soo qaaday u tilmaamin jiho kale. Shan qof, oo sarkaal boolis uu ku jiray, ayaa ku dhintay weerarkaas. Sarkaal kale oo shaqada ku jiray xilligii ay kooxdu soo weerareen dhismaha ayaa is dilay dhammaadkii toddobaadkii hore, sida ay qoyskiisu sheegeen. Geesinnimada uu muujiyay Mr Goodman, oo la sheegay inuu yahay rugcaddaa ciidamada ku soo dhex jiray isla markaana muddo joogay dalka Ciraaq, ayaa imaaneysa iyadoo booliiska Capitol lagu cambaareeyay inay ka gaabiyeen sugitaanka ammaanka dhismaha. Kirk Burkhalter oo wax ka dhiga Dugsiga Sharciga ee New York isla markaana muddo 20 sano ah ka tirsanaa Waaxda Booliska Magaalada New York ayaa wax cajiib ah ku tilmaamay sida uu Mr Goodman uga falceliyay kooxdii weerarka soo qaadday. ""Uma maleynayo inuu jiro tababar kuu diyaarinaya xaaladdaas oo kale,"" ayuu yiri Mr Burkhalter. Muuqaalka oo uu duubay weriye Igor Bobic oo ka tirsan Huffington Post, ayaa lagu arkayaa Mr Goodman, oo nin madow ah, oo ay handadayaan koox taageerayaasha Trump - oo dhammaantood caddaan ah. Ninka ugu soo horreeya kooxda gadaal ka muuqata, ee xiran funaanadda QAnon, ayaa waxaa lagu sheegay magaciisa Doug Jensen. Waxaa markii dambe xiray booliiska gudaha iyo FBI-da. Muuqaalka ayaa muujinaya Mr Jensen oo hoggaanka u haya kooxda Mr Goodman ku cayrsanaysay jaranjarada - meel wax yar un u jirta halka laga galo Senate-ka. Iyadoo la cayrsanayo, ayuu Mr Goodman oo raadiyihiisa sita ku qeylinayaa ""dabaqa labaad!"", isagoo u muuqda inuu saraakiisha kale ku wargelinayo inay kooxda ku soo wajahan yihiin. Kaddib markii uu Mr Goodman isha ku xaday halka laga galo Aqalka Sare, wuxuu dib u riixayaa Mr Jensen - tallaabo u muuqatay inuu indhahooda isaga isku soo jeedinayo, kooxdana ka weecinayo inay galaan gudaha aqalka oo ay xildhibaannadu isku qarinayeen. Sawirka Mr Goodman oo ay cayrsanayaan kooxda - oo qaarkood sitay calanka gobollada isbahaystay, kuwo kalena wax muujinaya calankii Naasiyiinta - ayaa ahaa mid aad loo dhibsaday, sida uu sheegay Mr Burkhalter. ""Sarkaal boolis, ma aha sarkaal boolis, inuu arko nin madow oo uu cayrsanayo qof sita calanka gobollada isbahaystay - wax baa sawirkaas ka khladan. Taasi waa inaysan mar dambe dhicin,"" ayuu yiri. ""Waxay burburineynaa wax walba oo aan dooneyno inaan saxno."" Dhowr xubnood oo ka tirsan Kongareeska ayaa Goodman ammaanay, iyagoo ku baaqay in abaal marin lagu siiyo shaqadiisa. Xubno ka tirsan 2,000 oo qof oo waaxda booliiska Capitol ka mid ah ayaa u xil saaran difaacidda dhismaha Capitol iyo kuwa gudaha ku jira. Way ka duwan yihiin booliiska Washington oo suga ammaanka qeybaha kale ee magaalada. Madaxa Booliiska Capitol, Steven Sund, ayaa is casilay toddobaadkii hore kaddib markii loo soo jeediyay cambaareyn ku aaddan sidii ay ciidamadiisa uga falceliyeen weerarkaas, Nancy Pelosi oo ah sarkaal sare oo Dimuqraadiyiinta ka tirsan ayaa Mr Sund u soo jeedisay inuu is casilo. Sii hayaha xeer ilaaliyaha Mareykanka Michael Sherwin ayaa sheegay in Waaxda Caddaaladda ay ka fekeri doonto inay eedeymo ku soo oogto saraakiisha booliiska Capitol ee lagu helo inay la jireen kooxdii weerarka soo qaadday. Sida laga soo xigtay telefishinka CBS News, oo ay BBC-du wada shaqeyn leeyihiin, booliiska Capitol waxay ka jawaabeen dhowr dhacdo oo ah saraakiil ku hanjabaya inay naftooda waxyeellen doonaan kaddib weerarkii toddobaadkii hore." https://www.bbc.com/somali/war-55616739 +sports Cudurka korona iyo ciyaaraha: Jarmalka oo billaabay kubad aysan daawaneyn taageerayaal Bayern Munich oo hoggaanka u haysa horyaalka Bundesliga ee Jarmalka ayaa guul xarago leh ka gaartay kooxda Union Berlin kulan oo qayb ka ah kulamada aan horey loo arag loona maqal ee dib loogu bilaabay ciyaaraha dalkaasi xiligan lagu jiro aafada fayraska korona. Horyaalka ayaa dib loo bilaabay iyadoon wax taageeerayaal ah garoonka ku sugneyn, sidoo kale badi dadkii ku sugnaa garoonka ay xirnaayeen gafuur-xir, isla markaana la joojiyey in loo dabaaldego goolasha marka la dhaliyo. Robert Lewandowski ayaa Bayern Munich oo koobka daafacanaysa siiyey hoggaanka ciyaarta ka dib gool ku laad uu dhaliyey daqiiqadii 40-aad, goolkaasi oo ahaa kiisii 34-aad uu xilli ciyaareedkan u dhaliyo Bayern. Benjamin Pavard ayaa goolka labaad ee guusha u xaqiijiyey Munich ka gadaal markii madaxa si xirfad iyo xeelad huwan uu ugu dhaliyey kubad gees ka laad aheyd oo uu soo laaday Joshua Kimmich. Inkastoo Bayern Munich ay guul ka gaartay ciyaarta oo ay laba gool dhalisay haddana 3 mar oo kaliya ayay goosha Union Berlin toogatay. Ciyaartoyda iyo tababarayaasha kooxaha Jarmalka ayaa toddobaadkan karantiil ugu jiri doona hoteellada, iyagoo maraya baaritaan fayraska korona oo joogto ah, waxayna uga tagi karaan goobaha ay ku tababartaan iyagoo wada socda. Tababaraha Union Berlin Urs Fischer ayaa ciyaartii maanta aan kooxdiisa maamuleyn sababtoo ah wuxuu jabiyey nidaamka karantiilka markii uu geeriyoodey sodogiis. Kulamada kale ee Axadii iyo Sabtidii dhacay waxaa ka mid ahaa FC Köln oo ku ciyaaraysay garoonkeeda The Rhein Energie Stadion taas oo 2-2 ay isla dhaafi waayeen Mainz. Sabtidii Borussia Dortmund ayaa inta garoonkeeda Westfalen stadion geysatay kooxda FC Schalke, waxay beerka kaga xasharisay 4-0. FC Augsburg iyo VfL Wolfsburg oo fooda isku daray gegida Augsburg Arena waxaa 2-1 ku adkaatay VfL Wolfsburg oo marti aheyd. Fortuna Düsseldorf iyo SC Paderborn ayaa iyaguna ku kulmay garoonka Merkur Spiel-Arena ee Fortuna Düsseldorf waxayna ku kala hoyday 0-0. Hertha Berlin ayaa inta ugu tagtey Hoffenheim gurigeeda Rhein-Neckar-Arena waxay ku soo dharbaaxday 3-0. Eintracht Frankfurt oo ku ciyaaraysay hoygeeda Commerzbank-Arena waxaa 3-1 ugu xoog sheegatay Borussia Mönchengladbach Xagga gooldhalinta horyaalka waxaa 26 gool ku horkacaya wiilka reer Poland Robert Lewandowski ee u ciyaara Bayrn Munich, waxaa soo baacsanaya Timo Warner oo RB Leipzig u safta lehna 21 gool, waxaa isaguna 14 gool leh Jadon Sancho oo Borussia Dortmund ka tirsan. Xagga kala horeynta shaxda waxaa hogaaminaysa Bayern Munich oo leh 58 dhibcood, waxaa labaad yuurarta Borussia Dortmund waxayna leedahay 54 dhibcood, Borussia Mönchengladbach ayaa saddexaad fadhida lehna 52 dhibcood, kaalinta afaraadna waxaa jiifta RB Leipzig oo 51 dhibcood leh. https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-52701700 +health Maxaa UK looga dalbaday inay mamnuucdo qalliinka lagu soo celiyo bikrada haweenka? "Qolyaha ol'olayaasha sameeya ee ku sugan UK ayaa dowladda ka dalbaday in la mamnuuco qalliinnada ay dhakhaatirtu 'haweenka ugu soo celiyaan bikrada'. Hawenka qalliinnada noocan ah lagu sameeyo ayaa la sheegay in kuwo badan oo ka mid ah ay yihiin muslimiin, oo kasoo jeeda qoysas ku adag dhaqanka, waxayna halis ugu jiraan in la deyriyo, ama xitaa mararka qaar laga yaabo in la dilo, haddii ragga guursaday ama xubno ka tirsan qoysaskooda ay ogaadaan inay galmo soo sameeyeen guurka ka hor. Waxay door bidaan inay hab caafimaad maraan ""si dib looga dhigo bikro"". Bulshooyin badan ayaa aaminsan in haweenka marka ay aqal galayaan ay ahaadaan kuwo aan horay gogol kale usoo marin, taasina ay tahay sida kaliya ee ay sharaftooda ku caddeyn karaan. Dadka ol'olaha wada ayaa sheegay in loo baahan yahay joojinta qalliinnadan, oo aysan ku jirin faa'iido caafimaad. Laakiin dhinaca kale waxaa jira walaac laga qabo in haddii nidaamkaas la mamnuuco ay sii kordhi karto khatarta ay haweenku qoysaskooda ka wajahaan. Sida laga soo xigtay Golaha Guud ee Caafimaadka (GMC), UK waxaa ka jira hab loo maro qalliinnada, iyadoo su'aal la galin karo ""haddii qaliinku uu noqdo mid qofka uu ku kaliffayo cadaadis lasoo saaray"". Taasi waxay ka dhigan tahay in howsha soo celinta waxa ay dadka qaar ugu yeeraan ""sharafta gabdhaha"" ay tahay mid la joojin karo, haddii hoos loo sii eego, ayna dhab tahay xogta laga sameeyay ee ah in dumarka nidaamkaas mara ay cadaadis la kulmayaan. Halaleh Taheri, oo ah aasaasaha hay'adda Arrimaha Bulshada iyo Haweenka ee Bariga Dhexe, ayaa BBC-da u sheegtay inay jirto gabar ardayad ah oo u dhalatay waddanka Morocco, taasoo ku dhuumaneysa London, ka dib markii loo sheegay in aabaheed uu nin u kireystay si uu u dilo iyada. Ka dib markii ay UK waxbarashao u tagtay sanadkii 2014-kii, haweeneydan oo hadda 26 jir ah waxay la kulantay nin, kaasoo markii dambe ay meel isla dageen. Laakiin aabaheed markii uu maqlay xiriirkooda, wuxuu ka dalbaday inay ku laabato Morocco, wuxuuna geeyay isbitaal ""uu ku baarayay inay wali bikro tahay iyo in kale"", wuxuuna ogaaday in wax walba aysan sidii uu ka rabay ahayn. Waxay dib ugu baxsatay London, laakiin hadda waxay ku nooshahay cabsi joogto ah oo ay ka qabto in aabaheed uu ogaan doono meesha ay dagan tahay. Macallimad 40 jir ah oo ku dhalatay Morocco ayaa BBC-da u sheegtay in iyadoo 20 jir ah lagu khasbay inay qalliin isku sameyso, laakiin waxay wacad ku martay in gabdhaheeda aysan cadaadis noocaas ah saari doonin. ""Waligey sidaas kuma sameyn lahayn gabdhaheyga. Waxaan isku dayi lahaa inaan baro sidii ay xor u ahaan lahaayeen"", ayey tiri. Isbitaallada ku yaalla UK ee qalliinnada ku sameeya xubnaha taranka ee haweenka ayaa halkii qofka ka qaada lacag dhan £3,000, waxayna howsha dhakhtarka socotaa muddo hal saac ah. Ururrada u dooda xuquuqda dumarka ayaa sheegay in isbitaallada noocaas ah ay kharash badan ka faa'iidaan haweenka muslimiinta ah ee ka cabsi qaba ""inay ceeboobaan habeenka aqalkgalka"". BBC-da ayaa la xiriirtay mid ka mid ah isbitaalladaas, laakiin wax jawaab ah lagama helin. Wasiirka caafimaadka ee UK, Matt Hancock, ayaa sheegay inuu baaritaan ku sameyn doono sidii loo soo afjari lahaa ""howshan dhibaatada leh"", laakiin waaxda caafimaadka ayaa ka gaabsatay inay sharraxaad ka bixiso qaabka loo mamnuuci karo qalliinnadaas. Dr Khalid Khan, oo ah barfasoor caafimaadka haweenka ka dhiga iskuulka caafimaadka ee London, gppb joogna u ahaa qalliin noocaas ah, ayaa sheegay in mamnuucistu aysan ahayn waddadii saxda ahayd ee arrintaas wax looga qaban lahaa. Wuxuu qabaa in wacyigalin badan la siiyo dumarka, go'aankana loo daayo iyaga. ""Waxay ila tahay in waanada dhakhaatiirta ay wax badan ka tareyso arrintaas"", ayuu yiri. Hase ahaatee, Dr Naomi Crouch, oo guddoomiye ka ah ururka dhakhaatiirta haweenka ee Britain, ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay gabdhaha iyo haweenka lagu khasbayo hannaan aysan wax faa'iido caafimaad ah ku jirin. ""Waajibaadka dhakhaatiirta waa lagu caddeeyay xeerka u yaalla ururka ay leeyihiin midowga dhakhaatiirka haweenka"", ayey tiri. Colin Melville, oo ah agaasimaha arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada ee ururka dhakhaatiirta haweenka, ayaa sheegay in dhakhtar walba uu ku khasban yahay inuu eego waxa ay haweeneydu raalli ka tahay oo ay iyada dalbatay. ""Haddii qofka bukaanka ah waxa uu sameynayo ay ku kallifayaan cadaadisyo dad kale uga imaanaya, markaas laguma tilmaami karo wax uu raalli ka yahay qofku. Haddii uu dhakhtar xaqiijiyo in cunug ama qof dhalinyaro ah uusan shakhsi ahaan raalli uga ahayd waxa lagu sameynayo, markaas waa inaan la fulinin qalliinka"", ayuu yiri. Qolyaha ol'olaha sameeya ayaa sheegay inaan wax badan laga ogeyn saameynta xilliga fog ah ee ay qalliinnadan ku yeelan karaan haweenka la mariyo. Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen in dumarka qalliinnadaas dalbada aysan helin la talin ku filan, ka hor inta aan la guda galin howsha. Miss Taheri waxay tiri: ""Haweenkan waxay gaareen heer ay isu arkaan alaab ay dad kale leeyihiin, halkii ay iska soo qaadi lahaayeen inay bani'aadan yihiin"". ""Dumarka Muslimiinta ah, waxa cadaadinaya waa dareen ceeb ka carar ah iyo inay ka baqayaan ciqaab"". ""Kuwa kalena, waxaa ku kallifaya kalsooni darro ay ku qabaan jirkooda""." https://www.bbc.com/somali/war-51282821 +entertainment Todobaadkan iyo sawiradii Afrika ugu quruxda samaa: Taageerayaal iyo ilaalo xeebeed badda gaaf wareegaya Xulka sawirradii ugu fiicnaa ee qaaradda Afrika laga qaaday todobaadkan. https://www.bbc.com/somali/war-58921876 +sports Tababaraha xulka Masar ee ay da'doodu ka hoosayso 23 jirka oo doonaya in Salaax uu u dheelo Olympic-ada "Tababaraha xulka Masar ee ay da'doodu ka hoosayso 23 jirka, Shawky Gharib, ayaa sheegay in weerraryahanka kooxda Liverpool Maxamed Salaax uu yahay dookhiisa koobaad ee ciyaartoyda da'da weyn ee sanadka soo socda uu doonayo inuu ku daro ciyaaraha Olympic-ada xulkiisa, kuwaas oo lagu qaban doono magaada Tokyo. Masaarida ayaa waxa ay u soo baxeen ciyaaraha kubadda cabta ee tartanka Tokyo kaddib markii ay ku guulaysteen tartankii ciyaartoyda ay da'dooda ka yartahay 23-ka sanadood ee Qaramada Afrika ee lagu qabtay isla dalkaas. Markii xul uu u soo baxo ciyaaraha kubadda cagta ragga ee Olympic-ada waxaa tartankaasi lagu koobaa ciyaartoyda ay da'dooda ka yar tahay 23-ka sanadood hasayeeshee waxaa loo ogolyahay xulalka inay ku soo darsadaan saddex ciyaartoy oo waa weyn oo ciyaarahaasi kala qeybgala. ""Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Liverpool, Jurgen Klopp, ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa uu shir jaraa'id ka sheegay in uusan qof ka socda Masar kala hadlin naadiga in Maxamed Salaax loogu yeero inuu ka qeybqaato tartanka Olympic-ada 2020-ka,"" Gharib ayaa waxa uu sidaasi u sheegay Kanaal ciyaaraha lagu baahiyo oo Masar laga leeyahay. ""Hagaag haatan aniga ayaa halkan uga sheegaya in Maxamed Salaax uu yahay dookheyga koobaad, wanaanan u baahanahay in uu Tokyo nala aado. ""Waa suragal inaan u yeero mid ama laba ciyaartoy oo ay da'doodu wayn tahay, welina arrintaas waan ka fakarayaa hasayeeshee haddii Liverpool ay diido inay Salaax soo dirto, iskuma dayi doono in qof kale aan ku daro liiska. Tartanka kubadda cagta ee ciyaartoyda ragga ayaa waxa uu socon doonaa laga bilaabo 24-ka bisha July ilaa 9-ka bisha Agoosto ee sanadka soo socda taas oo ka dhigan in Salaax uusan dheeli doonin ciyaaraha furitaanka Horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedka soo socda." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-50612233 +health Halis Caafimaad: Inay saabuunta cunaan maxaa ku khasbay labadan gabdhood ee walaalaha ah? "Labo gabdhood gabdhood oo walaalo ah oo ku nool gobolka Riftvalley ee dalka Kenya ayaa waxay noqdeen kuwo si joogto ah u cuna saabuunta, iyagoo sheegay inay aad u jecel yihiin. ""Si aad ah ayaan ugu raaxeystaa marka aan cunayo saabuunta, sharraxaad kama bixin karo sida aan dareemo marka aan goosto qeyb kamid ah saabuunta, waxaana si aad u jeclahay saabuunta midabada leh, aagteyda waxay iiga tahay waxa ugu macaan ee aan heli karo,"" ayay tiri mid kamid ah gabdhahan oo la yiraahdo Sharon Chepchirchir. Sharon Jepchirchir waa 25 jir, iyada iyo walaasheed Lydia Chepkemboi oo 18 jir ah ayaana in muddo ah waxay cunayeen saabuunta. Waxay sheegeen in mar kasta oo ay doonayaan inay wax cabayaan ama cunaan ay joogto ka dhigteen inay ku bilaabaan in qeyb kamid ah saabuunta ay cunaan. Mararka qaar waxay sheegeen inayba ka dhigtaan quraac. Maalinkii oo idil waxaa laga yaaba inay dhameystaan jeex saabuun ah. Waxay sheegeen in aysan dooneyn inay sii wadaan arrintani laakiin ay iska joojin waayeen cunidda saabuunta. Sharon waxay sheegtay in dabeecaddan ay u hor seedday dhaqan ah in saabuunta ay guriga kasoo xaddo isla markaana hooyadeed walaac galisay. ""Waa arrin aan la yaabanahay, oo ii horseedday dhaqanka ah in aan saabuunta guriga soo xado, waxay xitaa hooyadeey ku taas ku kalliftay inay qariso saabuunta laga isticmaalo guriga nooca ay rabto ha ahaatee, waxay hooyadeen garwaaqsantahay in haddii aan helno saabuunta aan cuneyno"" ayay tiri Sharon. Sida ay sheegeyso Sharon, saabuun cunidda waxay billowday markii ay 5 jir aheyd halka walaasheed oo ka yar iyaduna ay billowday in saabuunta ay cunto xilli ay aad u yareyd. Hooyada dhashay gabdhahan waxaa welwel iyo murugo ku reebay in gabdhaheeda ay si joogto ah u cunaan saabuunta. Sharon waxay sheegeysaa in xitaa qoyskooda ay Alle bari u sameeyeen si gabdhahan ay u dhaafaan saabuunta. ""Waxaa naloo sameeyay Alle bari, laakinse waxaa sare usii kacaya jaceylka iyo damaca aan u qabno cunidda saabuunta."" Waxay mararka qaar go'aansadaan inay tegaan goob ay ku dhuuntaan si ay saabuunta u cunaan. Sharon waxay sheegtay in maalinkii ay cuni karto saabuunta ilaa shan jeer. Sharon waxay sheegtay in markii warbaahinta Kenya ay tebiyeen xaaladdooda ay tageen isbitaal si ay u ogaadaan, sababta ku khasabtay in saabunta ay cunaan. Waxay sheegeen in markii baaitaan lagu sameeyay la ogaaday in caafimaadkooda uu wax ka khaldan yahay oo ay yartahay macddanta ku jirto jirkooda gaar ahaan 'Iron-ta' sidoo kalena la ogaaday in heerka dhiggooda uu yar yahay. Waxaana la ogaaday in macddantaas oo jirkooda ka maqan ay horseeday inay cunaan saabuunta. Baaritaan lagu sameeyay dhiigga gabdhahan ayaa lagu ogaaday in heerka cabirka dhiigooda uusan dhaafeyn 7 dhibcood halka dhiigga qofka banii'aadanka la doonayo in uu dhexeeyo 14 ilaa 19 dhibcood. Waxaana sidoo kale la ogaaday in unugyada qaada dhiigga ee jirkooda ay yar yihiin. Markii gabdhahan lagu sameynayay baaritaanka caafimaad waxay dhakhaatiirta u maleynayeen in jirkooda laga waayi doono maaddooyinka Sodium iyo potassium, taasina ay tahay sababta ay u barteen cunidda saabuunta. Saabuunta waxaa laga sameeyaa maddooyin ay ku jiraan sodium iyo pottasium iyo aashito, marka sida ay sheegayaan cilmi baarayaashu saabuuntu wax faa'ido ah uma lahaan banii'aadanka, balse dhibaato caafimaad darro ayaa ka dhalan kara. ""Waa arrin la yaab leh, waxaan la yaabanahay sababta aniga iyo walaashey ay dhibaatada noola soo deristay, maxay dhakhaatiirtu ugu guul darreysteen in ay xal u helaan dhibaatadan na heysata? taas oo nagu reebtay ceeb weyn,"" ayay tiri Sharon. Welwelka ay muujineyso Sharon waxaa sare u qaaday digniinta ah in haddii ay sii waddo cunista saabuunta ay caafimaad darro kala kulmi doonaan mustqabalka." https://www.bbc.com/somali/war-52993898 +technology Haniin Xosaam: Gabadh Masar ku sugan oo 10 sano oo xabsi ah ku muteysatay TikTok "Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay gabadh lagu magacaabo Xaniin Xosaam oo caan ka ah barta TikTok. Gabadhaas waxaa sidoo kale lagu ganaaxay $13,000 oo dollar in ay bixiso. Seddax gabdhood oo kale ayaa lagu kala xukumay min $13,000 oo dollar oo ganaax ah in ay mid kasta bixiso, waxaana lagu helay dembi ah ""ka ganacsiga dadka"". Waaxda dacwad oogidda Masar ayaa haweenkaas ku eedeeysay dembiyo ay ka mid yihiin ""ku xadgudubka anshaxa qoysaska iyo bulshada Masar, iyo in ay ka qeybgaleen baahinta soo banbixinta iyo dhiiragelinta gabdhaha kale iyo ka ganacsiga dadka"". Sidoo kale, eedaha haweenkan loo soo jeediyay waxaa ka mid ah: ""In lacag ay u soo direen maamulka TikTok, taas oo looga bedelanayay in ay baahiyaan muuqaallo anshax xumo ah, si ay u kordhiyaan dadka ku xiran iyo daawadayaashooda."" ""Iyo in ay 'Group-yo' ay ka sameysteen WhatsApp ay gabdhaha oga soo qaadanayeen muuqaallo iyagoo ku dhiiragelinayay in ay isa soo duubaan oo isa soo bandhigaan"". Haweenkan la xukumay, waxaa kale oo lagu helay in ""gabdhaha yaryar ay ku dhiiragelinayeen in ay iska soo duubaan muuqaallo anshax xumo ah, iyo in ay isku deyeen in ay ka dhuuntaan cadaaladda, ayeyna telefoonnadooda iyo barahooda bulshada ku xireen barnaamijyo sir ah"". Booliska waxay xireen Xaniin, bishii April, ee sannadkii la soo dhaafay - waxayna ahayd qof ay warbaahinta Masar ku naaneyseen ""gabadha TikTok"". Waaxda dacwad oogidda Qaahira, ayaa Xaniin ka soo qabtay Jaamacadda Qaahira oo ay dhiganeysay. Waxay xilligaas daba socdeen muuqaal ay soo dhigtay barteeda TikTok oo gabdhaha ay ku weydiisaneysay in muuqaal ay iska soo duubaan iyagoo guryahooda jooga, ka dibna lacag looga bedelan doono. Ka dib Jaamacadda Qaahira waxay gabadhan ardeyda ahayd u gudbiyeen waaxda sharciga, si loo weydiiyo su'aalo ku saabsan ""dhaqanka ku cusub bulshada ee ka dhanka ah anshaxa iyo qiyamka jaamacadda,"" sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Jaamacaddaas, sannadkii la soo dhaafay. Madaxweynaha Jaamacadda, Muxammad Cusmaan Al-Khasht, wuxuu sheegay in ciqaabka gabahdhaas go'aan laga gaari doono illaa xilliga ugu dambeeya ee casharadeeda. Muuqaalka ay gabadha ka soo muuqatay waxay gabdhaha ku weydiisaneysay in ay ku soo biiraan shirkad ay aasaasatay. Waxay shuruudaha ku sheegtay in gabadh kasta aysan ka yarayn 18-sano, in ay jir-qurxoon tahay oo hub-qaad tahay, iyo in ay muuqaallo iska soo duubaan oo la baahin doono, ka dibna lacag la siin doono. Qiimaha lacagta wuxuu u kala dhexeeyay $36 illaa £3000 oo dollar. Xaniin ma aysan sharixin nooca shaqada gabdhaha ay qeybta ka noqonayaan, balse waxay muuqaalkeeda ku sheegtay ""in aysan dooneynin gabdho qaawan, iyo in aysan aqbaleynin in hay'addeeda lagu xadgudbo, iyo in ay ku shaqeyneyso si sumcad wanaagsan ah"". Wareysi ay siiyay telefishin ayay ku sheegtay in ay ""dalbatay 20 gabdhood oo bog cusub ku soo biira, oo iska soo duubo muuqaal 3-daqiiqo ah,"" balse warbaahinta ay 'been ka sheegeen' oo seddax 10-ilbiriqsi ka dhigeen. Waxay ku adkeysatay in waalidiinteeda ay ansixin jireen muuqaalladii ay gelin jirtay barteeda TikTok." https://www.bbc.com/somali/war-57550050 +politics Soomaalida Mareykanka oo ka gadoodsan dilka Sheekh Maxamed Xasan "Soomaalida ku nool magaalada Colombus, gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa dhigay mudaaharaad ay ku dalbanayaan in la dedejiyo oo la soo saaro natiijada baadhistii ay wadeen booliska iyo dambibaadhista gobolkaasi ee ku aaddanayd dilka Imaam Sheekh Maxamed Xasan Aadam oo maydkiisa laga helay magaaladaas kaddib maalmo la la'aa. Sheekh Maxamed Xasan Aadam ayaa ahaa imaamka masajidka Abuu Hureyra ee magaalada Colombus, waxaana la la'sanaa saddex maalmood kahor inta aan meydkiisa laga helin meel cidlo ah. Shiikh Horseed Caymi Nuux oo ah afhayeenka Dalladda Masaajidda Combus oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay u halgamayaan xuquuqdooda ayna dowladda Mareykanka ka dalbanayaan inay la wadaagto natiijada baaritaanka dilka Sheekha. ""Waddankan Mareykanka waa waddan ay ku dhisan tahay inaad halganto oo aad xuquuqdaada u dagaallanto. Annagoo taas ka duuleyna oo dastuurku noo oggol yahay ayaa mujtamicii Soomaaliyeed iyo dadkii Muslimiinta ahaa ee laakiin qowmiyadaha kale ahaa sida Carabta, Pakistaaniyiinta, Turkida iyo dadkii diimaha kale lahaa oo dhan baa runtii isu soo baxay, sababtoo ah marka ay noqoto dulmiga waddankan waxaa la leeyahya iskaashi guud,"" ayuu yiri Sheekh Horseed. Sheekh Horseed ayaa sheegay inay isugu soo baxeen xarunta gobolka looga taliyo ayna halkaas ku tukadeen. ""Waxaan u jeedinnay inaan dooneyno in sheekheennii, imaamkeennii dhiiggiisa, in la soo qabto dadkii gacan ku dhiigleyaasha ahaa,"" ""Taariikhda Mareykanka inta aan garaneyno waa sheekhii labaad Dr. Maxamed ee falkaas lagula kaco, waliba isaga afduub iyo inaan weynay ayaaba u sii dheeraa,"" ayuu yiri. Sheekh Horseed ayaa sheegay in ilaa iyo haatan aysan helin natiijada baaritaanka, ayna la shaqeynayaan booliiska. ""Labo siyaaboodba waan ula shaqeyneynaa, inaan farta ku fiiqno wixii raad ah ee la arko, iyo in la xafido xogta sharciyaqaannada kiiska gacanta kula jira la xafido oo aan suuqa lagu sii deyn inta laga soo qabanayo gacan ku dhiigleyaasha."" Ayuu yiri Sheekh Horseed. Wuxuu intaas ku daran inay booliisku ka codsadeen iyaga inaysan shaacin qaabka loo dilay sheekha iyo dhaawacyadii ku yiil. Wuxuu sheegay in loo istaagay baaritaanka kiiska isla markaana maamulka gobolka uu ka tacsiyeeyay geerida sheekha. Sheekh Horseed ayaa sheegay in magaalada Columbus ay ku yaallaan xaafado uu amnigoodu aad u xun yahay isla markaana ay ku badan yihiin burcadda is leysa, laguna dilay dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhowr iyo soddon ah, kuwaas oo qaar fara ku tiris ah uun la helay xogtooda. Alle ha u naxariistee waxaa 25-kii December la helay meydka Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo ahaa imaamka masajidka Abuu Hureyra ee magaalada Colombus ee dalka Maraykanka, sidoo kalena ahaa Xoghayaha Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Ayanna. Imaam Sheekh Maxamed Xasan ayaa laga waayay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Columbus 22-kii December, sida ay sheegeen qoyska iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed.Baadhitaanno socday ku dhawaad 48-saacadood kadib ayaa dad xog ogaal ah u soo sheegeen dad madaxbannaan oo ka tirsan bulshada magaaladaas oo si mutadawanimo ah u baadhayey in Sheekh Maxamed ay gaarigiisa ka heleen isgoyska Joyce iyo waddada 17-aad ee dhanka waqooyi ee magaalada Columbus Ohio. Baabuurka dhexdiisa ayaa laga helay meydka Imaamka la la'aa ee Sheekh Maxamed Xasan oo ay ku yaalaan dhowr xabbadood oo jidhkiisa ah. Dadkii ayaa wacay 911 iyo Adeegga deg degga ee Columbus oo soo gaadhay goobtii. Waxaana meeshii isugu soo baxay Soomaali badan oo ka dhiillaysan xaaladda. Waxaana baraha bulshada laga arkayey qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi oo ku baaqaya in la isusoo baxo. Sheekh Cabdalla Abul-Fadli oo ah imaamka masjidka Al-sunna ee magaalada Saint Paul isla markaana ay Sheekh Maxamed Xasan saaxiibbo dhow ahaayeen ayaa BBC-da u sheegay in goobtii laga helay maydka ay weli xidhan tahay booliska baadhista gacanta ku hayaana aanay weli wax faahfaahin aysan bixin. ""Argtida hore waxaa soo arkay nin walaalaha ka mid oo raggii baadigoobka ahaa ka mid ah ayaa arkay oo dul istaagay baabuurkashiikha oo uu yaqaannay, kaddib booliska ayuu wacay oo meesha yimi, illaa haddana meesha waa xidhan tahay booliiska iyo haayadihii wax baadhayey ayaana jooga meesha"" ayuu yidhi Siikh Cabdalla oo ay is yaqaanneen shiikha dhintay. ""Waxa uu ahaa nin hoggaamiye ah, oo dabeecad fiican afgaaban oo sadaqo badan inta badanna arrimaha ijtimaacigaa ka shaqeeya ayuu ahaa. Shiikh Maxamed runtii waxa uu ka baxay umadda soomaaliyeed Jaaliyada Maraykanka iyo Umadda Islaamka ah. Waxa uuu caan ku ahaa in uu dacwadda dadka aan islaamka ahayn gaadhsiiyo maaddaamo uu afaf badan ku hali jirey,"" ayuu yiri Sheekh Cabdalla Abul-Fadli Shiikha ayaa sida oo kale sida ay sheegeen dadka deegaanku waxa uu qayb ka ahaa barnaamijyo dadka baahan cunto lagu gaadhsiinayey inta uu jiray xanuunka safmarka ah. Halka sida oo kale uu qayb ka ahaa aasaasidda barnaamij ciyaareed oo dhallinyartu ka qayb qaataan oo isugu jirey kubadda gacanta iyo kubadda cagta. ""Weligay ma arag isaga oo leh maya shaqo samafal oo dadka loogu danaynayo"" ayuu yidhi Cabdi Faarax oo ka tirsan qoyska shiikh Maxamed. Dad badan ayaana janaaso ahaan ugu tukaday goobtii maydkiisa laga helay xilli ay socoto baadhista booliiska. Waxaana dadku ay ku baaqayaan in ay u baahan yihiin jawaabo, xilli baadhista boolisku ay socoto. Ohio waxay martigelisaa Soomaalida labaad ee ugu badan marka laga reebo Minneapolis.Imaam Sheekh Maxamed Xasan ayaa ahaa ganacsade caan ka ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus." https://www.bbc.com/somali/war-59844993 +business Waa kuma ninka ugu taajirsan adduunka ee hadda booska ka qaatay Elon Musk? "Elon Musk ayaa lagala wareegay booska ugu sarreeya ee liiska dadka ugu hantida badan caalamka ka dib markii uu sanadkan hoos u dhac weyn ka sameeyay saamiga uu ku leeyahay shirkadda soo saarta gawaarida korontada ku shaqeeya ee Tesla. Sida lagu muujiyay xogta Majalladaha ka faallooda dhaqaalaha ee Forbes iyo Bloomberg labadaba, Mr Musk waxaa booska ka qaatay nin kale oo lagu magacaabo ernard Arnault, oo ah madaxa shirkadda hantida qaaliga ah iibisa ee LVMH. Elon Musk qudhiisu waa madaxa shirkadda Tesla ahna qofka saamiga ugu weyn ku leh dhaqaalaha shirkaddaas. Waxaa lasoo tebiyay in saamigiisu uu yahay qiyaastii 14%. Bishii October ayuu dhammeystiray heshiis uu kula wareegay shirkadda Baraha Bulshada ee Twitter, taas oo u uku iibsaday lacag dhan $44 bilyan oo doolar. Sida ay shaacisay Majalladda Forbes, Mr Musk waxa uu hadda heystaa lacag dhan qiyaastii $178bn (oo u dhiganta £152bn). Dhanka kale, ninka hadda noqday qofka ugu hantida badan caalamka, Bernard Arnault ayaa hantidiisa lagu qiimeeyay $188 bilyan oo doolar. Waa ganacsade maal qabeen ah oo u dhashay dalka Faransiiska. Marka laga soot ago shirkaddiisa, waxa uu sidoo kale aruuriyaa farshaxannada qiimaha badan. Waxa uu dhashay 5-tii bishii March ee sanadkii 1949, haddana da’diisu waa 73 sano. Hantidiisa oo bishii March, 2020 ahayd $76 bilyan oo doolar ayaa kor ugu dhacday $110 milyan oo dheeraad ah muddo 14 bilood gudahood ah. Baahida loo qabo hantida ay shirkaddiisu iibiso ayaa aad sare ugu kacday intii uu socday cudurka Covid-19. Heshiiska uu Mr Musk ku iibsaday shirkadda Twitter ayaa la dhammeystiray ka dib dhowr bilood oo uu socday dagaal dhinaca sharciga ah. Dadka u kuur gala arrimaha dhaqaalaha qaarkood ayaa aaminsan in sababta uu uga baxay booska ugu sarreeya ee liiska ay tahay la waregista Twitter oo hoos u dhigtay saamiyadii u uku lahaa Tesla. Ka dib markii uu saami ku yeeshay Twitter billowgii sanadkan, Mr Musk ayaa bishii April ku yaboohay in uu shirkadda kula wareego 44 bilyan oo doolar, inkastoo dadka qaar ay qiimahaas ku tilmaamayeen mid aad u sarreeya. Bishii July ayuu ka baxay heshiiska, isagoo sheegay in uu ka walaacay tirada cinwaannada been abuurka ah eek u sameysan Twitter-ka. Ugu dambeyntii mas’uuliyiinta Twitter ayaa tallaabo sharci ah u qaaday si ay Mr Musk ugu khasbaan fulinta heshiiskii uu ballan qaaday. Dan Ives oo ka tirsan shirkadda maalgashiga ee Wedbush Securities ayaa sheegay in “muranka” ku gedaannaa heshiiska Twitter ay sababtay hoos u dhaca qiimaha ay ku fadhiyeen saamiyada Tesla. “Musk wuxuu ka tagay booskiisii ahaa halyeyga Tesla waxa uuna noqday laadar waddooyinka taagan, maadaama uu la socdo qof walba oo wax kusoo qora Twitter,” ayu uku yiri BBC-da. ""Muranka ka taagnaa Twitter-ka ayaa waxyeello u geystay magaca Musk iyo heerka ay suuqa saamiyada ka taagneyd shirkadda Tesla. Musk waa Tesla Tesla-na waa Musk.” Mr Musk ayaa balaayiin doolar ku iibiyay saamiyo qeyb ka ahaa shirkadda Tesla si uu ula kaashado la wareegista Twitter-ka, taasoo horseedday in saamiyada ay qiimo ahaan hoos u dhacaan. Maalgashadeyaasha ayaa sidoo kale ka welwelsanaa in ay yaraatay baahida loo qabo gawaarida korontada ku shaqeeya ee shirkadda Tesla, maadaama ay sii daciifeyso." https://www.bbc.com/somali/articles/cv2d551e3xvo +entertainment Gabdhihii horay ugu guuleystay Tartanka Quruxda hablaha Afrika Tartanka Quruxda Hablaha Afrika ee Miss Africa Calabar oo la bilaabay sanadkii 2016 waa mid ka mid ah tartamada quruxda ee dhowaan la hirgeliyay. Waxaa loogu talogalay in lagu dhirrigeliyo haweenka Afrika. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee uga qeyb galaya sanadkan munaasabadda oo ka dhacaysa dalka Nigeria, iyadoo ay Soomaaliya uga qeyb galeyso Sacdiya Maxamed. Munaasabadda waxaa la qabtaa sanad walba bisha December iyadoo sanadkaan la qaban doono 27-ka iyo 28-ka December 2021. Waxaa haatan weli socota isdiwaan gelinta ka qeybgalka tartanka. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee uga qeyb galaya sanadkan munaasabadda oo ka dhacaysa dalka Nigeria, iyadoo ay Soomaaliya uga qeyb galeyso Sacdiya Maxamed. Tartankan, wuxuu ka mid yahay dadaallada lagu dhiirrigelinayo haweenka da'da yar laguna siinayo fursad ay codkooda ku dhiibtaan iyadoo la marayo tartanka quruxda. Gabadha ku guuleysata waxaa la siiyaaabaamarin iyo xushmad ballaaran. Gabadha guuleysata waxaa laga doonayaa inay ka shaqeyso mashruuc magaceeda lagu xusayo. Mashaariicdaas waxaa ka mid ah sida urur aan dowli ahayn oo haweenka ku dhirrigelinaya inay ka qeyb galaan hoggaanka amaba dhisid urur samafal ah. Waxaa ku tartami kara gabdhaha ay da'oodu u dhaxeyso 18-26, dalalka ayaana soo xula gabdhaha uga qeyb galaya tartanka. Sanadkii 2016 oo ahayd markii ugu horreysay ee la bilaabay Tartanka Quruxda Hablaha Afrika, waxaa ku guuleysatay Neurite Mendes, oo u dhalatay dalka Angola, iyadoo abaalmarin ahaan loo siiyay lacag gaareysa $25,000 iyo gaari cusub oo nooca Ford Escape ah. Mendes ayaa kaddib waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee qaadda koobka quruxda gabdhaha Afrika ee laga dhigo Safiirka Cimilada Adduunka. Gaseangwe Balopi oo u dhalatay dalka Botswana ayaa la siiyay taajka Miss Africa 2017 kaddib munaasabad ka dhacday Nigeria. Balopi ayaa ka guuleysatay 24 tartamayaal ka kala socda qaaradda Afrika. Gabadhan oo xilligaas 21 jir ahayd ayaa abaalmarin ahaan loo siiyay $30,000 iyo gaari cusub oo nooca Ford Edge ah. Dorcas Kasinde oo u dhalatay Congo ayaa ku guuleysatay qeybtii saddexaad ee tartanka Miss Africa 2018 Calabar. Waxay ka mid ahayd 25 gabdhood oo qaaradda ka socday oo tartanka ka qeyb galay. Kasinde, oo ka guuleysatay Chiamaka Nnaemeka oo Nigeria u dhalatay iyo Gladys Kayumba oo Zambia u dhalatay, waxaana la siiyay lacag dhan $35,000 iyo gaari nooca isboortiska ah. Waxaa taajka ku wareejisay Gaseangwe Balopi oo sanadkii 2017 ku guuleysatay tartankaas. Irene Mukii, oo Kenya u dhalatay ayaa sanadkii 2019 loo suray taajka gabadha ugu quruxda badan Afrika. Mukii, oo xilligaas ahayd ardayad xisaabta ka barata Jaamacadda Jomo Kenyatta ayaa ka guuleysatay 21 gabdho kale oo tartanka ka qeyb galayay. Sarra Sellimi oo ka soo jeedda dalka Tunisia ayaa ku guuleysatay tartanka quruxda hablaha Afrika ee 2020. Sellimi ayaa ka guuleysatay 19 tartamayaal kale oo kasocday 19 dal. https://www.bbc.com/somali/59174807 +politics Siyaasi sameeyay arrin lama filaan ah oo lagu wada maadeystay "Siyaasi caan oo reer Pakistan oo tabin toos ah ku jira ayaa si khalad ah muuqaalkiisa loo saaray calaamado dhagaha iyo sanka bisadda u eg. Siyaasiga oo lagu magacaabo Shaukat Yousafzai ayaa Jimcihii warfidiyeennada kula hadlayey shir jaraa'id oo uu qabtay, intii hawada uu ku jirayna sawirkiisi uu beddelmay, sida ka muuqata sawirka kore. Qaar ka mid ah dadka Facebook kala socday shirka jaraa'id ee uu siyaasiga ku qabtay ayaa arrinta kediska ahayd ka dhiibtay aragtidooda oo ay ku qoreen dhanka fariimaha inkasta oo Mr Yousafzi oo xog ogaal u ahayn waxa dhacay. Marka uu shirka jaraa'id uu u soo dhammaaday kaddib wuxuu Mr Yousafzai uu sheegay arrinta iney si khalad u dhacday balse uu isagu wax weyn u arkin. Mr Yousafzai ayaa khudbaddiisa iska sii watay. Daawadayaashana waxay arkayeen madixiisa oo sawir laba dhagood ah ka saaran yahay iyo sanka oo laga saaray mid u eg kan bisadda iyo shaarbo, illaa uu hadalka ka dhameeyo ayayna sidaa ahayd. ""Aniga oo keli ah ma ahan dadka si lama filaan ah muuqaalka bisadda loo saaray iyaga oo tabin toos ah ku jira balse mas'uuliyiinti shirka jaraa'id igu wehliyeyna dhacdadaasi wey la kulmeen,"" ayuu yiri. Muuqaalka mas'uuliyiintaasi ayaa si toos ah uga baxayey bogga rasmiga ee xisbiga PTI uu Facebook ku leeyahay, muuqaalkanna marka uu dhammaday shirka jaraa'id isla-markiiba waa laga saaray barta. ""Waxa dhacayna khalad bani aadam ayuu ahaa, hadda kaddibna khaladaadka noocaasi ah si ay u dhicin waan taxaddareynaa,"" ayuu yiri. Muuqalka khaldan ee Facebook ka baxay waxaa lagu sii baahiyey baraha bulshada ee kala duwan, iyada oo meelaha qaar dacaayado laga baahiyey siyaasiyiinta uu sawirkooda is bedelay." https://www.bbc.com/somali/war-48665238 +business Gabadhii taajirnimo been ah ka macaashi jirtay oo la xiray "Waaxda socdaalka Mareykanka ayaa xiray haweeney taajirnimo been ah ku qaraaban jirtay oo loo heysto dembiyo dhaqaale, xilli ay iyadoo ku sugan New York iska dhigi jirtay taajirad. Anna Sorokin, oo sameysatay magaca been abuurka ah ee Anna Delvey, ayaa la xiray 25-kii March. Gabadhan 30 jirka ah ayaa loo musaafurinayaa dalkeeda Jarmalka kaddib markii xabsiga laga sii daayay bishii February. Bishii April 2020 ayaa lagu helay dembi ah inay khiyaantay bankiyo iyo hoteello, iyadoo dhacday in ka badan $200,000 (£153,580). Afhayeen u hadlay waaxda socdaalka ayaa BBC-da u sheegay in Sorokin lagu xiray jeel ku yaalla New Jersey. Faahfaahin kale lagama bixin. Sorokin, oo u dhalatay Jarmalka, ayaa sii joogtay Mareykanka xilli uu dhacsanaa dal ku galkeeda. Sorokin ayaa 25-kii March tagtay xarunta waaxda socdaalka ee magaalada New York waxaana lagu waday in maalin kaddib loo musaafuriyo Jarmalka balse waxay sii joogtay Mareykanka. Ma cadda in Sorokin ay dood ka keentay musaafurinteeda iyo in kale. Qareennada Sorokin ma aysan ka jawaabin mar shalay wax laga weydiiyay arrintaas. Bishii February mid ka mid ah qareennadeeda, Todd Spodek, ayaa BBC-da u sheegay in uu filayo in Sorokin loo musaafuriyo Jarmalka xilliga la qorsheeyay. Intii ay socotay maxkamadeynteeda dacwad oogayaasha ayaa ka sheekeeyay sida Sorokin, uoo wadatay magaca Anna Delvey, ay isaga dhigi jirtay inay leedahay adduun dhan $60m. Si ay sanado u joogteyso arrintaas, Sorokin ayaa sidoo kale ku nooleyd nolol heer sare ah. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay inay adeegsan jirtay dokumentiyaal dhaqaale oo la soo xaday, isla markaana ay u suurto gashay inay hal banki deyn ahaan uga qaadato lacag dhan $100,000. Qareenkeeda, Mr Spodek, ayaa ku dooday in Sorokin ay isku dayday inay ""ka been sheegto ilaa ay ka dhabeysay"". Sorokin ayaa lagu helay ilaa siddeed dembi. Waxaa lagu xukumay afar ilaa 12 sano oo xabsi ah, balse bishii February ee sanadkan ayaa lagu sii daayay cafis loo sameeyay. Sheekadeeda ayaa dunida qabsaday sanadkii 2018 kaddib markii wargeys caan ka ah New York uu qoray. Tan iyo intii xabsiga laga sii daayay, Sorokin waxay ka faa'iideysatay caannimadeeda ay kasbatay intii ay maxkamadeyntu ku socotay. warbaahinta ayaa la dhacay sheekadeeda iyada oo bixin jirtay wareysiyo. Shirkadda Netflix ayaa sorokin siisay Sorokin was paid $320,000 (£230,000) by Netflixsi ay sheeko uga sameeyaan qisadeeda. Qaar ka mid ah lacagtaas waxaa lagu guday bankiyadii ay khiyaantay. Wareysi ay BBC-du la yeelatay bishii la soo dhaafay, Sorokin waxaa la weydiiyay in ay ku faa'iidday dembiga iyo in kale. ""Marka dhan laga eego, waan ku faa'iiday"" ayay ku jawaabtay." https://www.bbc.com/somali/war-56622743 +business Taajiriinta caalamka: Wax ka ogow sirta la helay ee ah in maalqabeennada aysan bixinin canshuurta "Macluumaad lagu sheegay in ay muujinayaan xaddiga yar ee ah cashuurta dakhliga ah ee ay bixiyaan maalqabeenada Maraynka ayey si sir ah ku heleen bogag caalami ah oo wararka baahiya. ProPublica ayaa sheegay in uu helay dokumentiyada cashuur bixinta ee qaar ka mid ah dadka ugu hodansan dunida oo ay ku jiraan Jeff Bezos, Elon Musk iyo Warren Buffett. Website-ku wuxuu sheegay in Bezos oo iska leh Amazon aanu bixinin cashuur, sannadkii 2007 iyo 2011, halka Musk oo leh Tesla, isna aanu waxba bixin sannadkii 2018. ProPublica waxuu sheegay in uu helay waxa uu ku tilmaamay ""xog baaxad leh oo ku saabsan waaxda dakhliga gudaha"" oo ku saabsan cashuurt laga qaado hantiileyaasa oo uu macluumaadkaas faafin doono todobaadada soo socda gudahooda. In kasta oo BBC-da aanay xaqiijin karin arintaas, haddana sirtaa la sheegay in la helay waxay ku soo beegmaysaa wakhti ay isa soo tarayso doodda ka taagan xaddiga cashuurta ay bixinayaan dadka hantida leh iyo kuwa aan ahayn fakhriga ee dakhligooda uu sii kordhayo. ProPublica wuxuu sheegay in 25 qof oo ugu hodansan Maraykanku ay bixiyaan cashuur yar oo celiclis ahaan ah 15.8% marka la eego hantidooda taas oo ka yar inta ay bixiyaan dadka shaqeeya ee Maraykanka. Jesse Eisinger oo ah weriye sare iyo tifaftire ka tirsa ProPublica ayaa u sheegay barnaamijka Today: ""Aad baanu u yaabnaa in aanad wax cashuur ah ba bixinayn hadii aad tahay bilyaneer. Run ahaantii in aanad wax cashuura bixin dhulkay ina dhigaysaa. Dadka aadka u taajirka ahi sharciga way ka talaabsan karaan gabigiisaba"". ""Waxay awood xad dhaafa u leeyihiin in ay helaan cahsuur dhimid oo ay ka faa'iidaystaan dol daloollo ka jira sharciga,"" ayuu ydhi. Wuxuu sheegay in dadka hantida leh ee Maraykanka ay guriyo hanti ah iibsadaan, qaar dhistaan ama ay dhaxlaan lacag badan, ka dibna hantida ay haystaan lacago kale ku amaahan karaan. ""Sababta oo ah ma garawsadaan in ay macaashka ama iibka saamiyada wax ku helaan - wax dakhli ah ma helaan oo la cashuuri karo."" ""Banki bay wax ka amaahdaan oo dul saar ayaa la saaraa ka dibna taas ayay faa'iido badan ka helaan oo waxay dulsaarkaana ku helaan cashuur dhaaf"", ayuu yidhi. Bogga daabacay warbixinta wuxuu sheegay in ""adeegsiga istaraatijiyadda sharci ee cashuurta, in qaar badan oo dadka hantida badan lihi ay soo yarayn karaan cashuurta heer federaal, oo aad u yarayn karaan ba,"" xataa hadii hantidooda cirka isku shareertay sanadihii u dambeeyey. Hantiileyaasu sida muwaadiniin badan oo caadiya oo kale ayay u awoodaan in ay dhimaan kharashka kaga baxa cashuurta iyaga oo adeegsanaya ururada khayriga ah ama lacag ka helaya maalgashi oo aan dakhligoodu ahayn ama mushahar ahayn. ProPublica wuxuu adeegsaday xog uu hayey waregyska Forbes waxaanu sheegay in hantida 25 qof ee ugu taajirsan Maraykanka ay wadar ahaan korodhay 401 bilyan oo doolar, intii u dhaxasay 2014 ilaa 2018, laakiin ay bixiyeen 13.6 bilyan oo cashuur ah sanadahaas. Madaxweyne Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu kordhin doono cashuurta dakhliga ee dadka hodanka ah oo qayb ka ha qorshihiisa uu ku hagaajinayo isku dheeli tirnaanta iyo lacagaha badan ee lagu bixinayo barnaamijkiisa dhismaha kaabeyeesha dhaqaalaha. Wuxuu doonayaa inuu kordhiyo cashuurta dakhilga ee dadka dhaqaalaha badan uu soo galo oo uu laba-lababo cashuurta dhakhiga kuwa hatida badan ay ka helaan maalgashiga iyo dhaxalka. Balse ProPulica lafagurka uu sameeyey waxa lagu soo gabogabeeyey: ""In kasta oo ay dadka Maraykanka ah ee hantida leh, sida maareeyeyaasha shirkadaha, ay bixin doonaan cashuur badan, sida uu dhigayo shuruucda maamulka Biden uu soo jeediyay. Haddana inta badan canshuurta 25 ta qof ee ugu hantida badan aanay waxba iska bedeli doonin"". Dadka hantida leh ee lagu magac dhabay waa ninka samafalka lacagta ku bixya ee Geroge Soros, oo sidoo kale lagu eedeeyey inuu cashuur yar bixiyey. Xafiiskiisa ayaan jawaab ka siinin BBC, mar ay codsatay in ay su'aalo waydiisayo, laakiin warbixin uu u diray ProPublica ayuu ku sheegay in Soros aan wax cashuur ah lagu lahayn sababtuna tahay maalgashigiisii oo khasaaray. Warbixinta waxay sidoo kale sheegtay in muddo dheer uu taageersanaa in cashuur badan ay bixiyaan dadka ugu hantida badan Maraykanka. Sida ay wararka Maraykanku tibaaxayaan, Micheal Bloomberg oo ahaa duqii hore ee New York, oo dokumentiyada sirta ah ee la helay ay ka mid ahaayeen kuwii uu cashuurta ku bixiyey, ayaa sheegay in arintaas ay dhalisay walaac laga qabo dhawrsanaanta sirta shakhsiga ah oo uu ""sharciga la tiigsan doono"" si loo ogaado ciddii bixisay. ProPublica oo ah website baadhitaannada ka shaqeeyay ayaa baahiyey maqaalo dhawr ah oo ku saabsan sida hoos u dhaca miisaaniyadeed ee dakhliga gudaha Maraykanka u ragaadisay awoodda dhaqan gelinta sharciyada cashuuraha ee ah in la canshuuro dadka hodanka ah iyo shrikadaha waaweyn. Warbaahinta ayaa sheegtay in ay heleen dokumentiyo sir ah oo warbixinnadan falcelin u ah. Af-hayeenka Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa sheegtay in ""baahinta dukumentiyo dawladeed oo sir ah oo aanu qofku fasax u haysani"" ay tahay sharci darro. Wasaaradda maaliyada af-hayeen u hadashay, Lily Adams, ayaa iyadna warbixin ay email-ka ugu dirtay Reuters ku sheegtay in arrintaa haatan loo gudbiyey FBI iyo xeer ilaalinta heer federaal iyo laba wakaaladood oo korka kala socda maaliyadda oo ""dhamaantood leh awood madax banaan oo baadhitaan"". Madaxa waaxda cashuuraha gudaha ee Maraykanka, Charles Retting, ayaa yidhi: ""Kama hadli karo wax ku saabsan cashuur bixiye gaar ah."" ""Waxaan se sheegi karaa in ay socdaan baadhitaano ku saabsan eedahan soo baxay ee ah halka laga helay xogta ku qoran maqaaladan la shaaciyey iyo waaxda laga helay""." https://www.bbc.com/somali/war-57417040 +politics Mutlaq Al-Qaxtani: Muxuu Ergeygan Qatar u soo dirtay Soomaliya ku noqday dhexdhexaadiyaha ugu wanaagsan caalamka? "Magaalada Muqdisho, waxaa maalintii seddaxaad ku sugan wefdi uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee Qatar u qaabilsan wadaxaajoodyada iyo la dagaallanka argagixisada, Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani. Wuxuu Soomaaliya u joogaa arrimo wadahadal iyo dhexdhexaadin. Weftiga uu hoggaminayo waxay la kala kulmeen, Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble, Guddoonka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka iyo qaar ka mid ah mucaaradka. Maantana waxaa la filayaa in ay la kulmaan madaxweyneyaasha Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Ka hor safarkooda Muqdisho, wuxuu soo maray Hargeysa oo uu kula kulmay Muusa Biixi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Ergeyga ay Qadar u soo dirtay Soomaaliya, wuxuu hore uga soo shaqeeyay wadaxaajoodyo la sheegay in uu guulo ka keenay, kuna muteystay abaalmarin caalami ah. Mac-hadka Qaramada Midoobay u qaabilsan tababarada iyo cilmi-baarista (UNITAR) ayaa Dr Mutlaq u aqoonsaday inuu yahay dhexdhexaadiyaha ugu wanaagsanaa sannadkii 2020. Sababta ugu weyn ee loo siiyay abaalmarintaas waxay ahayd dadaalkii uu ku bixiyay dhexdhexaadintii ururka Taliban iyo Maraykanka oo muddo ku dhaw 20 sano ay ciidankiisa ka dagaallamayeen Afghanistan. Dadaallada loogu kala dabqaadayay Taliban iyo Maraykanka ayaa soo bilowday sannadkii 2011, inkastoo aan wax horumar ah laga samayn illaa iyo sanadkii 2018, markaas oo ay si qarsoodi ah u kulmeen wakiilo ka socda labada dhinac. Ka dib kulamo is xigxigay, Maraykanka iyo Taliban ayaa dabayaaqadii February 2020, kala saxiixday heshiis ku aaddan nabadeynta Afghanistan. Qodobada ugu waaweyn heshiiska ayaa kala ah: Dr Mutlaq ayaa la sheegay in uu dowr muhiim ah ku lahaa isu soo dhaweynta labada dhinac ee Taliban iyo Maraykanka. Mar uu ka hadlayay kulan ka dhacay Dooxa, bartamihii 2019, Ergeygan Qatar, Mutlaq waxa uu sheegay in nabad waarta oo laga gaaro colaadda Afghanistan ay muhiimad aan ""la koobi karin u leedahay shacabka dalkaaa."" Mutlaq oo shahaadada Ph.D ee shuruucda caalamiga ah ka qaatay Jaamacadda Glasgow ee Scotland, ayaa Muqdisho kulamo kula qaatay madaxda Federaalka iyo xubno ka tirsan mucaaradka. Balse, xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa degtay ka dib markii uu golaha shacabka ka noqday xeerkii muddo kordhinta, kaas oo dhaliyay khilaaf xooggan. ""Ma garanayo dhexdhexaadinta uu hadda ka sameyn karo Soomaaliya maadaama arimihii taagnaa lagu kala baxay, dalkuna u jihaystay doorasho,"" ayuu yiri Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faallooda arimaha Carabta. Qatar ayaa taageero xooggan siisa dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaana kaalin weyn ay ka qaadatay dib u dhiska ciidamada qaranka. Bishii June 2017 markii Qatar lagu soo rogay go'doominta ay horkacaysay Sacuudiga, ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay xiisaddaas. Axmed Tiir ayaa rumaysan in go'aankaas uu ahaa dhexdhexaadnimo ""u janjeerta dhanka Qatar"". Doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha ee Soomaaliya ayaan weli laga gaarin heshiis, lamana oga xilliga ay dhici doonto. Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo lagu wareejiyay hannaanka doorashada ayaa ku baaqay shir ay madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada isugu imaanayaan 20-ka May magaalada Muqdisho." https://www.bbc.com/somali/war-56968229 +business """Malaayiin doolar ayaan sameeyaa anigoo raashin ku cunaya YouTube""" "Wakhti maku bixin lahayd inaad daawato qof wax cunaya oo muuqaalkiisa soo galiyay YouTube? Sidani waa habka ay Bethany Gaskin, oo loo yaqaanno Blove, dhaqaale uga sameyso YouTube-ka, waxayna ku noqotay Milyaneer. Gabadhan ayaa sheegtay in sannadkiiba ay muuqaallada raashin cunista ka sameyso lacag ka badan 1 malyan oo doolar. ""YouTube wuxuu naga dhigay dad milyaneerro ah, lacag xoogaa ka badan 1 malyan oo doolar ayaan sannad walba ka helaa daawashada muuqaalladeyda, qarashkaasna waxaa kasii baxsan dhaqaalaha iga soo galaya xayeysiimaha aan u sameeyo shirkadaha aan shakhsi ahaan ula macaamilo"", ayey tidhi Blove. Muuqaallada ay soo galiso barteeda YouTube-ka ayaa dhammaantood muujinaya iyadoo raashin cuneysa, waxaana barnaamijkeeda lagu magacaabaa ""Meokbanh"". Magacan oo xarfo la isu geeyay ka kooban marka afsoomaali ahaan loo sii fasiro wuxuu noqonayaa ""Baahinta wax cunista"". Marka muuqaallada lasoo sameynayo, gabadhan ayaa cunta raashin uu xaddigiisu aad u badan yahay. Inta ay wax cuneyso ayey sidoo kale madadaalisaa dadka ku xiran, iyadoo hadallo la wadaageysa. Mid ka mid ah barnaamijyadii ay muuqaalkooda soo galisay waxaa la daawaday ku dhawaad 12 malyan oo jeer. Marka ay dad badan daawadaan muuqaalkeeda, shirkadda YouTube ayaa usii badineysa xayeysiimaha ay lacagta kasoo xarooto, taasoo sababeysa inay gabadhan hesho lacag aad u farabadan. Barta YouTube-ka ee haweeneydan waxaa si toos ah ugu taxan 2 malyan oo ruux. Hase yeeshee, dadka qaarkood ayaa barnaamijkan u arka mid dadka ku dhiirrigalinaya inay raashinka u cunaan si aan caafimaad ahayn. Balse Blove, iyadu way kasoo horjeeddaa fikirkaas. Iyadoo difaaceysa raashin cunisteeda la daawado ayey tidhi:""Waxay ila tahay in barnaamijkan uu yahay mid xiiso badan leh, dad badanna caawiya. Dadka wuxuu ka bixiyaa xaaladaha qallafsan, sida xilliyada ay xanaaqsan yihiin, waxay dad badan ka dhigtaan wehel, waxaa marar badan noo soo mahad celiya bukaannada qaba cudurka kansar-ka, waxayna noo sheegaan sida aan uga caawinay inay u fududaato raashin cunista"". Howlaha la xiriira sameynta muuqaallada YouTube-ka ayaa waayadii dmabe noqday ganacsi ay dad badan ku jiraan. Blove ganacsigeeda YouTube-ka waxaa maamule uga ah ninkeeda, kaasoo aan shaqo kale ka fikirin. Sidoo kale wiilasheeda ayaa si gaar ah u sameystay ciwaannadooda YouTube-ka ee ay ganacsi ahaanta u adeegsadaan. Waxaan shaki ku jirin in haweeneydan ay ka mid tahay shakhsiyaadka dhaqaalaha ugu badan ka hela barta YouTube-ka." https://www.bbc.com/somali/war-49208789 +politics Al-Shabab oo kaalinta koowaad kaga jirta awoodda ururada Al-Qaacida Xilli maanta la xusayo sannadguuradii 19-aad ee ka soo wareegtay weerarkii 9/11 ee 2001-dii ka dhacay Mareykanka, haddaba ururkii ka dambeeyay oo ahaa Al- Qaacida oo xilligaasi fadhigoodu ahaa dalka Afqaanistaan wuxuu noqday mid kala daatay. Laanta ururka ee Suuriya waxaa bishii June aamusiiyay oo cagta marayay kooxo ka soo horjeeday sida ururka la baxay dowladda Islaamka. Dalka Yemen, Al-Qaacidda waxay guuldaro kala kulmeen kooxo mucaaradka ah, ka dib markii hoggaamiyahoodii lagu dilay duqayn ay Mareykanka fuliyeen. Hogaamiyihii ururka ee Waqooyi Afrika isna waxaa bishii June duqeyn dalka Maali ka dhacday ku dilay Faransiiska, illaa iyo imikana ma aysan magacaabin ciddii badali lahayd. Dhanka kale hoggaamiyaha, Al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri, ayaa si aan looga baran muddo bilo ah la maqal lamana arak, taasi oo sababtay in la isla dhexmaro in uu dhintay amaba ay waxyeelo soo gaartay. Balse laamaha Al-Qaacida ee somaaliya iyo Maali ayaa weli ah kuwa xooggan oo awood leh. Marka laga soo tago Al-Shabab - oo xiriir la leh Al-Qaacida islamarkana ka howlgala soomaaliya waxaa kaalinta labaad ku jira dhanka awoodda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin oo ka howlgala Mali. Dhanka fikirka, waxay ururka Al-Qaacida wajahayaan dhibaato ay kala kulmayaan dhaqdhaqaaqyada kale ee jihaad doonka. Waxaa ururka u furan labo waddo oo kala ah in la casriyeeyo oo ay muujiyaan dabacsanaan si ay u hantaan muslimiinta kale ama ay ugu yaraan u badbaadaan iyo in ay ku taagnaadaan mabaadi'dooda jihaadka ee ururka uu aamisan yahay ayna ka duwanaadaan Muslimiinta kale. Labada waddaba waa kuwa halistooda wata. Khiyaarka hore waxaa uu halis galinayaa astaantooda jihaadiga wuxuuna horseedayaa in ay kala jabaan. Halka waddada labaad haddii ay qaadaan ay xaddidayso awoodda howlahooda iyo xitaa in ay gaari karaan heer ay baaba'aan. Dalka Suuriya, laanta Ururka Al-Qaacida ee loo bixiyay magaca Xurras al-Din -ayaa guuldareystay. Waxaa arrintan loo aaneynayaa kooxaha Jahaadiyiinta ah oo uu dhexdooda khilaaf ka oloolsan yahay iyo isbahaysiga uu Mareykanka hogaamiyo oo isha ku haya saraakiisha ururka Al-Qaacida. Kooxda ayaa sidoo kale aan shacbiyad ku lahayn gudaha Suuriya maadaamashacabka Suuriya ay u arkaan in Al-Qaacida ay bartilmaameed u tahay dowladda iyo isbeheysiyada kale ee caalamiga ah. Kooxda Xurras al-Diin ayaan wax dhaqdhaqaaq ah sameyn labadii bilood ee ugu dambeysay, ka dib markii ay duulaan ku qaadeen koox kale oo Jihaadi ah oo ka awood badan, sidoo kalena saraakiishooda sarsare ay Mareykanka duqeymo la bartilmaameedsadeen. Laanta ururka ee dalka Yemen ee lagu magacaabi jiray Al-Qaacidada gacanka Carabta ayaa mar ahayd koox si wayn looga baqo, balse waxay la kulmeen sannadkan guuldarooyiin imikana waa garabka ugu liita. Hogaamiyaha Al-Qaacidada gacanka carbeed ayaa lagu dilay duqyn ay Mareykanka fuliyeen bishii January, waxaana Bayda oo ay ku xooganaayeen dhowaantan kala wareegay kooxda Xuutiyiinta. Muddo sannado ah waxay u muuqataa in ururka ay dhexgaleen dad jawaasiis ah, ayna fududeeyeen in si sax ah loo bartilmaameedsado hoggaanka. Waxaa sidoo kale muuqata in ururka Al-Qaacida gudahooda uu ka jiro kala qeybsanaan. Balse mid ka mid ah dhacdooyiinka sannadkan ayaa muujinaysa in laanta Al-Qaacida ee Gacanka Carbeed ay tahay mid ciyaareysa doorkii sababay in waligood laga baqo. Waxay weerraro ka geysteen qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka. Bishii February, waxay kooxda sheegtay in ay ka dambeysay toogasho ka dhacday bishii December saldhig ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka oo ku yaalla gobolka Florida. Waxaa weerarkaasi fuliyay nin u dhashay Sacuudiga oo lagu magacaabo Maxammed Alshamrani - oo isagu ku tabaranayay xeradaas waxaana la xaqiijiyay markii dambe in uu xiriir la leeyahay Al-Qaacida. Laanta Al-Qaacida ee isku magacaabay Islaamka Maqrib, waa koox aan firfircoonayn waxaana horraantii bishii June hogaamiyahooda oo u dhashay Aljeeriya lagu dilay dalka Maali. Muddo saddex bilood ah dilka hoggaamiyahooda ka dib lama magacaabin cidii badali lahayd. Ma cadda sababta, balse in booska hoggaaminta uu bannaanaado waxaa mid ka turjumaysa in xaaladooda aysan wanaagsanayn. Dalka Maali-waxaa ka jira laanta ururka ee lagu magacaabo 'Jamacat Nusrat al-Islaam wal-Muslimin', kuwaasi oo sidoo kale ka howlgala dalalka Burkina Faso iyo Niger, waxaana la asaasay bishii March 2017. Jamaat Nusrat al-Islaam wal-Muslimin, waxay weeraradooda inta badan la bartilmaameedsadeen ciidamada maxaliga ah iyo ciidamada ajaaniibta gaar ahaan kuwa Faransiiska ee ku sugan gobolka Saaxil. Bishii February, waxay Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin muujiyeen in ay diyaar u yihiin in ay wadahadalo la galaan dowladda Maali, balse bishii August waxaa dowladdii xilka ka tuuray militariga mana cadda waxay noqon doonaan tallaabooyiinka ay qaadi doonaan. Al-Shabab waxay muran la'aan imika yihiin halista ugu wayn ee ururada gacan saarka la leh Al-Qaacida. Kooxda Al-Shabab waxay gacanta ku hayaan dhul badan waxayna leeyihiin maamul ka jira meelo ka mid ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Waxay sidoo kale, Al-Shabab fuliyaan weeraro joogto ah oo ay la bartilmaameedsadaaan goobo muhiim ah ee gudaha Soomaaliya iyo xitaa dalka dariska ah ee Kenya. Weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ee ugu waynaa ee sannadkan waxay ka fuliyeen waxaa ka mid ahaa kii ay ku qaadeen saldhig uu Mareykanka ku leeyahay deegaanka Manda Bay oo Kenya ka tirsan, halkaasi oo saddex askari oo Mareykan ah ay ku dhinteen laguna gubay dhowr diyaaradood. Hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman al-Zawahiri ayaa sannadkan soo saaray hal cajalad oo muuqaal ah bishii May. Bil ka hor muuqaalkaas, waxay taageerayaasha kooxda IS isla dhexmarayeen warar ku saabsan in Al-Zawahiri uu dhintay ama uu hal dhinac dhiikar ku dhuftay uu na howlgab noqday. Waxay arrintan ku saleeyeen in muddo uusan warbaahinta ka soo muuqan sidoo kale na uusan dhacdooyiinka muhiimka ah ka hadlin. Dhowr abaanduule oo udub dhaxaad u ahaa Al-Qaacida ayaa horey ugu dhintay dalalka Afqaanistaan iyo Pakistan, halka qaarkood uu Mareykanka uu ku dilay duqeymo ka dhacay dalka Suuriya. Heshiis dhanka nabadda ah ee Taliban lala galayo ayaa la saxiixay bishii February, kaas oo dhigaya in aysan hoy siin karin kooxaha jihaad doonka taas oo adkaynaysa in Al-Qaacida aysan gabaad ka helin Afqanistaan. https://www.bbc.com/somali/war-54097994 +health Coronavirus: WHO oo joojisay tijaabinta dawada hydroxychloroquine-ka Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay tijaabooyinka lagu waday dawada malaariyada ee hydroxychloroquine in lagu daweyn karo Coronavirus iyo inkale si ku meel gaar ah in loo joojiyey sababa la xiriira badqabka dawadaasi awgeed. Hay'adda WHO waxay Isniinti sheegtay waddama dhowr ah iney tijaabooyinki ay wadeen 'si ku meel gaar ahna' loo joojiyey. Go'aanka WHO ayaa imanaya kaddib marki daraasad dhawaan la sameeyey ay ku talabixisay dawadaasi iney khatar dhimasho ku sii kordhinesyo bukaannada uu soo ritay Covid-19. Madaxweyne Donald Trump ayaa isna sheegay inuu dawada uu isticmaalay si uu uga hortago faayraska corona. Madaxweynaha Mareykanka ayaa marar badan ka dhawaajiyey dawada looga hortago cudurka malaariyada in cudurka Corona lagu daweyn karo, balse talooyinka iyo digniinaha ay soo jeedinayaan khubarada caafimaadka waxay ku sheegeen daawadaasi iney khatar dhinaca wadnaha ay keeneyso. Toddobaadki hore wargeyska arrimaha caafimaadka ka faallooda waxaa lagu daabacay maqaal lagu sheegay Lancet iney sheegtay dawada hydroxychloroquine iney wax faa'ida ah u leheen in loo isticmaalo daweynta coronavirus, balse dawadaasi bukaannada coronavirus ay ku keeni karto dhimasho tira badan. Dawada hydroxychloroquine waxay ku habboon tahay in loo isticmaalo malaariyada iyo xanuunnada isgooysyada jirka ku dhaca balse ilaa iyo hadda ma jirto daraasad caddeysay in Covid-19 lagu daweyn karo. Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO oo hoggaamineyso baaritaanna kala duwan oo lagu baadi goobayo dawo lagu daweeyo cudurka Covid-19 ayaa horay welwel uga muujisay shaqsiyaadka sheegay iney isku daweeyeen iyo dalalka ku dhawaaqay in dawadaasi loo adeegsado in lagu daweeyo coronavirus. Daraasadda ay sameysay Lancet waxaa laga qayb geliyey 96,000 oo bukaannada Karona, 15,000 oo bukaannadaasi ka mid ahna waxaa la siiyey dawada hydroxychloroquine- ka keligeed ama loo raaciyey dawada antibiotic. Waxayna daraasaddu sheegtay natiijada soo baxday iney noqotay in bukaannada dawadaasi lagu tijaabiyey ee isbitaallada yaalla ay qarka u saarmeen geeri, qaarkoodna ay dhibaatooyin dhinaca wadnaha ah ay la kulmeen. Bukaannada cudurka qaba ee dawada lagu tijaabiyey ayaa waxaa la siiyey 18%hydroxychloroquine- ka , 16.4% chloroquine- ka, 9% kooxda xakameynta cudurkana. Bukaannada lagu tijaabiyey dawooyinka hydroxychloroquine ama chloroquine oo weliba loo raaciyey dawada atibiotic waxay khatar aad u weyn u galeen dhimasho. Waxayna khubarada daraasadda sameysay ay ka digeen dawada hydroxychloroquine-ka in loo isticmaalo tijaabo ka baxsan goobaha caafimaadka ee ay daraasaddu ka socotay. Waxayna khubarada daraassadda sameysay ay sheegeen natiijada tijaabadaasi daraasadda lagu sameeyey inaan weli la ansixinin. https://www.bbc.com/somali/war-52803630 +health 5 cunto oo halis ah oo sababi kara xanuun ama dhimasho Cuntadu dhibaato ma keento. Laakiin runtu maaha in wax kasta la cuni karo iyada oo aan laga taxadarin oo aan si fiiro leh loo dooran, karin ama aan loo diyaarin, sida in laga saro sunta ama qaybaha aan la cuni karin. Talaabooyiinkaa la aantood cuntadu qof kasta oo cunaa wuu ku bukoon karaa calaamaduhuna waxay u dhexeeyaan yalaalugo, dawakhaad iyo xataa geeri. Xaaladaha liita ama kuwa sida xun loo kariyo waxay keeni karaan calaamadaha yalaalugada, naqaska oo qofka ku dhega dawakhaad iyo xataa waa lagu dhiman karaa. Cuntooyiinkan shanta ah waa kuwa aad u baahantahay in aad si gaara uga taxadirto markaad cunayso. Run ahaantii hadii aanad hubin arrimahan hoos ku xusan waxa fiican in aad gabigooda ba iska ilaalisid. Kalluunkan loo garanayo Puffer fish waa dilaa. Waxa ku jira tetrodotoxin oo ah walax sun ah oo laga baqo sida degdegga ah ee ay ku fiddo iyo saamaynteeda waxaana la qabaa in ay xataa ka halis badan tahay maadada cyanide. Hase yeesee halistaa oo jirta ayaa hadana kaluunkan yahay cuntooyinka ugu qaalisan wadamada qaar. Japan, fugu (waa magaca cuntada laga sameeyo kalluunkan) ayaa had iyo jeer qaydhiin lagu cunaa ama maraq baa lagu daraa. Dadka cuntada kariya, tababar dheer oo dhawr sano ah ayaa la siiyaa inta aan loo fasaxin in ay kalluunkaa kariyaan oo dadka siiyaan. Muhiimaddu waxa weeyi in inta aan dadka la siin laga saaro xubnaha suntan ah oo ay ka mid yihiin maskaxda, haragga, indhaha, ilmo galeenka, beerka iyo mindhicirka. Cuntadan waxa haliska ka dhigay waxa weeyi dirxiga ku jira. Waa suurto gal in ay ku soo jiidato laakiin burcadka loo yaqaano Sardinia oo Talyaaniga laga keeno, dad badan baa ka hela. Casu marzu waxa lagu daraa ugxanta dikhsiga oo lagu daray pecorino oo ah maado dhadhan iyo cuf la mid ah burcadka, u yeesha. Muddo ka dib ayaa dirxiga yaryari jilciyaa cheesekan, ka dibna waa la cunaa, badhtankana aad buu uga qoyan yahay oo waa ka dareere. Badanaa waxa la sheegaa in uu u dhadhamo sida suugada loo garanayo gorgonzola oo kale. Casu marzu wuxu leeyahay dhadhan gaar ah oo adag sababtuna waxa weeyi ugxanta dikhsiga ee lagu daray. Si aad u dhadhamiso waa in aad arimo ku darsataa xisaabta. Marka koobaad waa in aad xejin kartaa dirxiga, sababta oo ah, wuxuu kor ugu bood boodaa qiyaastii 15cm marka la cunayo. Ta labaad waa in aan badanaa la helin. Casu marzu kuma jiro liiska cuntooyinka Midowga Yurub ansixiyey, sidaa awgeedna lama dhoofin karo. Ta saddexaad casu marzu badanaa waxa lagu sheegaa ''burcadka ka ugu halista badan dunida'' maadaama uu caafimaadka halis geliyo. Arintani waa run gaar ahaan hadii dirxiga ku jiraa bakhtiyo (hadii aanu ku bakhtiyin qabowga tallaagada la geliyey) taas oo macnaheedu yahay in uu ku qudhmay. Haddii isagoo xumaaaday la cuno wuxuu keeni karaa calool xanuun, matag iyo shuban. Rhubarb waa khudaar aad loo yaqaan, tusaale ahaan cuntada Britain. Macmacaanka Ingiriiska ee caanka ah badankooda aya lagu daraa. Laakiin waa in aad si gaar ah oo taxadar leh u isticmaashaa Rhubarb. Maadaama caleemaha doogga ah ay sun leeyihiin. Gaar ahaan maadada oxalic acid oo xaddi badan yalaalugo keeno, oo hoos u dhigo macdan la bixidda oo sidoo kalena keeni kara dhagax kelyaha fadhiista. Oxali acid waxay sidoo kale ku jirtaa jiridda, laakiin waxay aad ugu badantahay caleemaha. Inkasta oo aanad wax badan ka cunayn caleentaas ood ku dhiman karto, waxaa fiican in aad iska ilaaliso. Badanaa waxa la isku waafaqsan yahay in digirtu tahay cunto u fiican caafimaadka laakiin waxa jira noocyada qaar oo hadii aan si hagaagsan loo diyaarin lagu xanuunsan karo. Digirta cas iyo soybeans ee dhadhanka macaan, waxay ku jiraan qaybtan. Dhanka togan marka laga eego digirtaa waxa ku jira nooc duxda ka mid ah oo la yidhaa phytohaemagglutinin oo sidaa qoraalkeeda iyo akhrinteedu u adagyihiin uu dheef shiidkeeduna u adagyahay. Hadii aad dooneyso in aad isku daydo ta dambe waa inaad u diyaar ahaataa calool xanuun iyo matag is barkan. Warka fiicanse waxa weeyi in hadii aad loo kariyo digirta aad arintaa ka badbaadayso. Sida digirta oo kale, soybeans waxaa ka buuxa borotiinno iyo maadooyin sunta dila. Nasiib darrose, waxaa ku jira sun dabiici ah oo ah - dheecaanka trypsin - oo lagaga hortagi karo cuntada oo si fiican loo calaashado. Labaduba waxay u baahanyihiin hab lagu nadiifiyo oo ah in biyo lala dhigo, 12 saacadood ka hor inta aan la karinin. Xawaashkan caanka ah waxaa laga soo guraa geed ka baxa Indonesia. Waa maadada ugu muhiisan ee loo adeegsado samaynta buskudyada nooc ka mid ah iyo macmacanka kale. Macmacaanka ka sokow waxa kale oo loo adeegsadaa xawaashkan in lagu daro baradhada, hilibka, suugada iyo khudaarta xataa sida cabitaannada qaarkood. Hase yeeshee hadii xaddi badan laga cuno waxay keeni kartaa saamayn halis ah: yalaalugo, xanuun, naqaska oo qofka ku dhega iyo xataa suuxdin iyo sidoo kale cudurrada maanka ku dhaca. Ku sumowga xawaashka, in loo dhintaa waa dhif laakiin maaha wax qofku xamili karo. Hadaba muxuu qof ku dooran karaa inuu cuno xaddi badan oo xawaashkaas ah? Mirahan waxaa qarniyo loo adeegsan jiray daroogo ahaan. Marka la eego saamayntan runtii ma fiicna in qofna isku biimeeyo waxyaabahan. https://www.bbc.com/somali/war-50476097 +health Coronavirus: Xabad rooti ah ma u gli lahayd safar 350 kiiloo mitir ah? Nin yaa ganaax ladul dhigay kaddib markii la qabtay isagoo gaari ku wada xawaare dhan 110mph, wuxuuna booliska u sheegay inuu magaalada London u aaday si uu rooti usoo iibsado. Askartu waxay gaariga ninkan istaajiyeen habeenimadii Axada, abaare 22:40 BST, xilli uu u socday magaalada Nottingham. Waxay ciidanka sheegeen in gaariga ay la saarnaayeen labo carruur ah oo yar yar. Wuxuu ku andacooday in rootiga London uu £1 ka raqiisan yahay rootiga lagu iibiyo magaalada uu daggan yahay. Booliska laanta Leicestershire waxay sheegeen in ninkan lagu riday ganaax labo nooc ah, loona diray maxkamad. Masaafaha u dhaxeeya magaalooyinka Nottingham iyo London waa 120 meyl, marka sii socod iyo soo socod la isku darana wuxuu gaarayaa in ka badan 380 kiiloo mitir. Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ninkan lagu qabtay isgoyska 22-aad ee Leicestershire. Waxay intaas ku dareen in ninka la siiyay warqad gaxaan ah oo ku saabsan xawaaraha xad-dhaafka ah ee uu gaariga ku waday. Garsoorka maxkamadda ayaa go'aan ka gaari doona xaddiga uu la ekaan doono ganaaxa laga doonayo. Nooca labaad ee ganaaxa wuxuu ku saabsan yahay inuu socday waqti ay mamnuuc tahay in bannaanka loosoo baxo, maadaama lasoo rogay xayiraadda uu sababay coronavirus. £60 oo ganaax ah ayaa la dul dhigayaa qofka jabiya xeerkaas oo dhaqan galay bishii lasoo dhaafay. Ujeeddada waxay tahay in la ciqaabo qof kasta oo ka madax adeyga bandowga. https://www.bbc.com/somali/war-52187594 +politics Dood ka taagan dhaqaalaha la siiyo deegaano ay ku jiraan kuwa Soomalida Kenya "Aqalka sare ee dalka Kenya ayaa waxaa ka taagan dood la isku mari la'yahay oo ah in dakhliga deegaanada dalka lagu jaangooyo tirada bulshada ee ku nool deegaan walba. Qeybisga dakhliga ayaa hadda waxyaabaha lagu saleeyo waxaa kamid ah baaxadda dhuleed ee deegaan walba, taas oo deegaanada gobolka waqooyi bari u sahashay inay helaan dhaqaale wanaagsan. Haseyeeshee guddiga qaabilsan qeybsiga kheyraadka ee Kenya ayaa aqalka sare usoo jeediyay in wax ka badel lagu sameeyo xeerkaas oo qeybisga kheyraadka lagu saleeyo tirada bulshada ee aanan lagu darin baaxadda dhuleed. ""Annaga markii hore waxaan dooneynay in la kordhiyo dhaqaalaha loo qoondeeyo maamul goboleedyada, balse dhibaatooyin kale ayaa yimid oo arrintaas waa ay socon weyday, haddana waxaaba la doonayaa in la dhimo wixii ay markii hore heli jireen, qorshahan cusub ee la doonayo in la melmariyo waxay hoseedi doontaa in lacag dhan 50 milyan oo doollar laga jaro deegaanada NFD,""ayuu yiri Ibraahim Cali oo ah senetarka laga soo doorto Wajeer oo BBC-da la hadlay. Wuxuu intaa raaciyay in ay muhiim tahay in qeybsiga kheyraadka lagu daro baaxadda dhulka. Waxaa kale oo uu sheegay inay soo jeediyeen qaab cusub oo lagu yareynayo waxyeelada ka dhalan karta tallaabooyinkan cusub. ""Waxaan soo jeedinay in la isu dheeli tiro, annaguna wax naga la jaro, deegaanada qaar ee lacagaha badan helana wax laga jaro, waxaana lagu heshiisyay in la isaga yimaado arrintan"", ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Arrintan ayaa haddii la meelmariyo waxay horseedi doontaa in deegaano u badan kuwa xoola dhaqatada ay lumiyaan dhaqaale ay markii hore heli jireen. Qorshahan ay soo jeediyeen guddiga qeybsiga kheyraadka ayaa la kulmay diidma adag oo ay muujiyeen qaar kamid ah xildhibanaada aqalka sare. Ugu yaraan 21 xildhibaan oo katirsan aqalka sare ee Kenya, kana soo jeeda deegaanada oomanaha ayaa kasoo horjeestay qorshahan. Waxay sababta ku sheegeen in tallaabadan ay sii gacan bidixeyneyso deegaano markii hore horumarkooda liitay. Sidoo kale 10 gubanatoore oo kaoso jeedaa deegaanadaas ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah arrinkan, iyagoona doonaya inay hor-istaagaan habkan cusub ee la doonayo in lagu jaangooyo qeybsiga kheyraadka. Waxay sheegeen in nidaamkan cusub uu dhaawici doonaa dhaqaalahooda. Maamulada arrintan ay saameyn doonta ayaa waxaa kamid ah Garissa, Wajeer, Marsabit, Isiolo, Samburu, Turkana, Tana River, West Pokot, Lamu iyo Mandera, kuwaas oo lumin doonaa lacag dhan 160 milyan oo doollar. Deegaanada gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa dhawana dacwad ka dhan tirakoobkii laga sameeyay Kenya u gudbiyay maxkamadda sare, iyagoona dalbanaya in tirakoobkaas dib loogu laabto oo uusan sax ahayn. Waxaa horay ay qeylo uga taagneyd dhaqaalaha la siiyo deegnaaadii la isku oran jiray NFD. Ma cadda waxa ay ku dambeyn doonta arrintan, haseyeeshee siyaasiyiinta laga soo doorta halkaas waxay ku doodayaan in ay horseedi doontaa horumar la'aan." https://www.bbc.com/somali/53393617 +health Coronavirus: Dawada Ibuprofen oo tijaabo lagu billaabay "Saaynisyahanno ayaa bilalabilaabay iney bukaannada isbitaallada ku jira oo uu soo ritay coronavirus ku tijaabiyaan dawada Ibuorofen ey wax u tarayo iyo inkale. Koox saaynisyhanna ah oo ka kala socda isbitaalka St Thomas iyo Kings College ayaa sheegay iney aaminsan yihiin in dawadan lagu daweyn karo dhibaatooyinka dhinaca neefsiga ee ka dhasha Covid-19. Saaynisyahannadu waxay sheegeen iney rajeynayaan dawadan qiimaheedu aadka u yar yahay haddii tijaabadeeda lagu guuleysto ay bukaannada kaga maarmi karaan qalabka Ventilatorka ee neefsiga ka caawiyo. Tijaabada ay sameeyeen saynisyhannadana waxay sheegeen bukaannada in dawada Ibuprofen loo raaciyo dawooyinka caadiga ee la siin jiray. Tijaabada ayaa adeegsaneysa qaab gaar ah oo Ibuprofen kaniin ahaan looga isticmaali karo si mustaqbalka ay dadku ugu helaan qiima jaban oo ay ku iibsan karaan. Dadka qaar ayaa dawadan horay ugu isticmaali jiray xanuunnada ama xaaladaha ay ka midka yihiin kala gooysyada jirka ku dhaca. Tijaabada dawadan oo xayawaannada lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in lagu daweyn karo xanuunnada neefsiga qofka la soo derso oo inta badan uu keeno cudurka coronavirus. Barafasoor Mitul Mehta, oo ka mid ah kooxda khubrada ee ka socota Kulliyadda King ee London wuxuu sheegay: ""Waxaan u baahannahay inaan sameyno tijaabo aan ku ogaaneyno caddeymo ah natiijadu iney la mid tahay wixi aan fileynay."" Inta uu cudurka safmarka uusan dunida ka dillaacin waxaa jiray warar sheegaya dawada Ibuprofen isticmaalkeeda inay khatar ku keeni karto, dadka leh calaamadaha faayraska ee fudud. Hadalka saynisyahannada ayaa ku soo beegmaya xilli uu wasiirka caafimaadka Faransiiska Oliver Veran uu yiri in la isticmaalo dawooyinka ay ka midka yihiin ibuprofen ay sii xumeynayaan caabuqa, wuxuuna ku taliyey bukaannada iney isticmaalaan dawada paracetamol. Dib u eegis uu sameeyey Komishiinka dawooyinka ay dadku isticmaalaan waxay ku soo gabagabeysay, dawada ay ka midka tahay paracetamol iney ku wanaagsan yihiin dadka astaamaha coronavirus isku arko iney isticmaalaan. Waxayna dawooyinka ay dajinayaan kulka jirka qofka waxay ka caawinayaan astaamaha hargabka la midka ah. NHS dadka isku arko astaamaha coronavirus waxay kula talisay iney marka hore tijaabiyaan paracetamol, wuuna ka saameyn yar yahay marka loo fiiriyo ibuprofen dadka intooda badan ay doortaan dawadaasi. Tusaala ahaan qofku wuxuu leeyahay, haddii uu qofku leeyahay caloosha uu boog ku qabo (gaaska weynaaday) inuusan isticmaalin dawada ibubrofen." https://www.bbc.com/somali/war-52902633 +politics Khilaafka Soomaaliya iyo kenya: 'Jabuuti waxay dhaawacday walaaltinimadeenna' "Guddiga xaqiiqo raadinta ee bishii December loo xil saaray soo baaridda khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, ka dib kullankii IGAD ee Jabuuti, ayaa warbixin ka soo saaray baaritaankooda, kaddib booqasho ay ku tageen labada dal. Guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in aan caddeymo sax ah loo heyn in Kenya ay faragelisay Soomaaliya, sida ay ka cabatay dowladda Soomaaliya, waxayna sababeeyeen qodobbo kale ee ku jira tabashada Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo saakay shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warbixinta gudiga. Sida uu wasiirka sheegay, Soomaaliya inay aad u so dhoweysay guddiga Jabuuti ee loo xil saaray arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, balse ay aad ula fajacday warbixintii ka soo baxday. ""Wax alla wixii ay Soomaaliya dhibsaneysay ee ay sheegatay, guddigii xaqiiqo raadinta ee Jabuuti ka socday waxba kama jiraan ayay ka soo qaadeen,"" ayuu yiri. Guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in aysan muuqan wax caddeynaya in Kenya ay faragelin ku heyso Soomaaliya. ""Guddigu wuxuu garwaaqsan yahay in qaar ka mid ah xiisadaha ay soo jireen yihiin, aysanna ahayn kuwo loo adeegsan karo in lagu jaro xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya,"" ayey warbaahinta qaar soo xigteen, waana sida ku xusan warbixinta. ""Waa run in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay leedahay go'aanka geyigeeda,"" ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta. Waxaa kale oo warbixinta lagu xusay in xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu saameyn ku yeeshay ""3,000 oo carruur Soomaaliyeed ah oo wax ka barta dhanka kale ee xadka, iyo howlaha AMISOM"". Guddiga ayaa kula taliay labada dhinac in ay ka wada shaqeeyaan xal u helidda khilaafkooda. Guddiga loo xil saaray xaqiiqo raadinta ee Jabuuti ka socday ayaa warbixintooda uga hadlay qodobka ay Soomaaliya ku andacootay ee ku saabsan ""ciidan uu wato Cabdirashiid Janan oo lagu tababarayo ama lagu abaabulayo Kenya"". ""Arrinta ku saabsan abuurista ciidamo, la tababarayo, si joogto ah ugu sugan gudaha Kenya, islamarkaana uu maamulo Cabdirashiid Janan, guddigu waxay xaqiijiyeen in Cabdirashiid Janan uu yahay wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamul goboleedka Jubbaland, ciidankiisuna ay hoos yimaadaan milatariga gobolka. ""Ciidankan waxay guulo waaweyn ka gaadheen la dagaallanka Al-Shabaab, iyagoo gacan siinaya ciidamada AMISOM. Raggoodu waxay noqdeen burcad tan iyo markii ay meesha ka saareen ciidamada milatariga ee federaalka. ""Sidaas awgeed, guddigu wuxuu xaqiijin karaa in maalintii ay booqashada ku tagayeen halkaas ay ciidankan ku arkeen gudaha Soomaaliya. Si loo ilaaliyo amniga ciidankan laga adkaaday, guddigi wuu qarinayaa meesha saxda ah ee ay ku sugan yihiin."" Guddigana yaa warbixintooda ku xusay in ay jirto xaqiiqada ku saabsan in ciidamada Kenya ay isticmaaleen hawada Soomaaliya iyagoo jabinaya amarkii dowladda federaalka ee diyaaradaha oo dhan loogu sheegayay in ay ka caga dhigtaan Muqdisho. Laakiin waxay raaciyeen in Kenya aysan dambi ku ahayn tallaabada noocaas ah. ""Guddigu wuxuu caddeyn ku filan u helay in diyaaradaha Kenya ay galeen hawada Soomaaliya iyagoo baal maraya heshiiskii arrimaha hawada ee Chicago lagu saxiixay 7-dii bishii December ee sanadkii 1944-kii. Khilaafka kala dhaxeeya mas'uuliyiinta maamulka Jubbaland awgiis, dowladda federaalka waxay soo saartay amar ay diyaaradaha oo dhan ugu dagayaan Muqdisho. Diyaaradaha Kenya waxay ku dhiirradeen in ay ku xad gudbaan mamnuucistaas oo aan cidna laga reebin, xitaa duullimaadyada ku saabsan arrimaha bani'aadannimada. ""Dacwadda qodobkaas dartiis loogu heysto ciidamada Kenya, oo qeyb ka ah howl-galka AMISOM, guddigu wuxuu u arkaa mid aan marmarsiiyo lahayn oo ka hor imaaneysa hannaanka ciidanka ku howl-galaya magaca AMISOM. Waxay hoos tagaan Midowga Afrika oo ay cidamadiisa dalalka kala duwan ka socda isku shaqo hayaan."" Dhanka kale guddigu waxay sheegeen in aysan wax caddeyn ah u helin eedeynta Kenya loogu jeediyay in ay si gaar ah u aqoonsan tahay maamulka Jubbaland. Wasiir Dubbe ayaa sheegay in arrinta ku saabsan tabashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay ku soo xad gudubtay hawada Soomaliya, uu taas khaladkeeda saaray Soomaliya. ""Waxay yiraahdeen, Soomaaliya ayaa khaldaneyd oo aan kala reebin diyaaradaha, kuwa xamuulka ah, kuwa dadka qaada, iyo kuwa ciidanka...wax aan loo diran,"" ayuu wasiir Dubbe ka sheegay shirka jaraa'id. Wuxuu intaa ku daray: ""Waxay ka hadleen, ciidamada Kenya in aysan imaan dhulka Soomaaliya. Waxay qoreen in arrintu ay tahay mid hore oo Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxaysay ee aysan ahayn arrintan hadda Kenya ee cilaaqaadka loo jaray. Arrin hore uga dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya oo aan badda ahayn ma jirto, arrintaasna mid gef ah oo la khalday ayay ahayd."" ""Waxaa kale oo ay ka hadleen in ciidamada Kenya ee AMISOM qeybta ka ah aysan ka bixin deegaanno muhiim ah oo lagu dhibaateeyay shacabka gobolka Gedo ka dib markii ay ka baxeen, gaar ahaan Buusaar iyo Faafaxdhuun."" Arrinta kale ee ay ku dhaliilayaan guddiga ayuu wasiirku ku sheegay inay tahay in uu hal dhinac warkooda qaatay. ""Way diideen inay tagaan dhulkii Soomaalida, labo jeer ayay Kenya ku noqdeen, Mandheera ayay tageen, waxaa laga baryay Beled Xaawo u soo gudba way diideen,"" ayuu yiri, balse guddiga IGAD weli kama aysan jawaabin eedahaas loo jeediyay. ""Markii ay Xamar yimaadeenna way diideen in la kaxeeyo oo Beledxaawo la geeyo. Taas dareen ayay na gelisay markaasba, labada jeer ee ay Kenya ku noqdeen dareen ayay na gelisay, ina hal dhinac warkiisa qaateen oo ah wasiirka Difaaca Kenya, dareen ayay na gelisay,"" ayuu sheegay. Wasiir Cusmaan Abuukar Dubbe wuxuu sheegay in ""tan ugu cajiibsan waxay tahay waqtiga lagu soo beegay warbixintu (25-ka January) oo ah markii uu dhacay dagaalka (Beledxaawo). ""Maxaa isku soo beegay 25-ka iyo warbixinta? Waxaan ka fahanna waxay Kenya dooneysay in ay qabsato Gedo sidaasna lagu beri yeelo oo la dhoho Kenya kuma jirin,"" ayuu u sheegay saxafiyiintii ka qeybgalay shirkii jaraa'id ee Muqdisho. Wasiirka ayaa ka hadlay taariikhda walaaltinnimo ee Jabuuti iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in warbixinta ka soo baxday guddiga IGAD ay meel ka dhac ku tahay walaaltinnimada labada dal, ayna habboon tahay in ay raalli-gelin ka bixiyaan. ""Warbixintan wuxuu bar aan tirmin boqol sanadood ku noqonayaa walaalnimada. Kenya ma fara gashaneyso Soomaaliya; micnaheedu waa fara geliya. ""Walaalaheen soo saaray warbixinta waxay dhaawacayaan walaalnimada, waxaanse is leeyahay inay ka noqon doonaan oo ay raalli-gelin ka bixin doonaan,"" ayuu yiri. ""Waxaan warbixinta u aragnaa dulmi. Waxaa xun dulmiga kan qofka walaalkaa ah ku dulmo. Nin ku xiga, naxliga kuu gala, naari kugu beer, meel buu kaaga dhacay. Aad baan uga xunnahay arrintaas,"" waa sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya. Dowladda Jabuuti weli kama aysan jawaabin eedahaas, mar aan la xiriirnayna way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arrinta ay ka hadashay dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa si kastaba sheegay in Soomaaliya aysan haatan wax xumaan ah u qabin dowladda iyo shacabka Jabuuti. War saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Kenya ay soo dhoweyneyso warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta ee uu magacaabay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Kenya ayaa sheegtay in intii uu guddigu booqashada ku joogay dalkeeda la tusay dhammaan caddeymo beeninaya eedeymaha Soomaaliya ay u soo jeedisay Kenya, isla markaana guddiga laga caawiyay inay booqdaa xadka Kenya iyo Soomaaliya si ay u hubiyaan xaqiiqda halkaas ka jirta. Waxay Kenya sheegtay in warbixinta guddiga ay xaqiijineyso in eedemaha Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn. ""Sidoo kale waxaa in go'aankii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed gu jartay Kenya uu ahaa mid aan loo baahneyn oo saameyn ba'an ku yeeshay muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee Kenya soo magan gala, howlaha AMISOM iyo nolosha muwaadiniinta labada dal."" Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Kenya. Soomaaliya ayaa 15-kii bishii December ku dhawaaqday in ay xiriirkii diblamaasiyadeed u jartay Kenya, ka dib xiisadda labada dal u dhaxeeysa oo muddo dheer soo taagnayd. Waxaa arrintan xuddun u ah Muran dhanka badda ee u dhaxeeya labada dal oo kiiska dacwadda ay gacanta ku hayso maxkamadda caalamiga ah ee ICJ." https://www.bbc.com/somali/war-55822025 +sports CECAFA CUP: Soomaaliya oo barbardhac la gashay Eritrea Xulka Qaranka Soomaliya ayaa ciyaartii galabt barbardhac (0-0) la galay xulka Eritrea. Soomaliya waxay halkas ka soo heshay hal dhibic. Eritrea ayaa dhankeeda difaacaneysay kaalinta labaad ee group-ka ay ku wada jiran ee A. Kooxdaas waxaa hoggaamineysa Uganda oo haysta 9 dhibcood, waxaana ku xigta, Eritrea oo leh 7 dhibcood, halka Soomaaliyana ay haysto 5 dhibcood. Waxaa suuragal ah in kaalintaas ay Soomaaliya u saamaxdo in ay isreeb-reeb kale ciyaarto, waana haddii Jabuuti laga badiyo ciyarta ay galabta la yeelaneyso Uganda. Xulka Jabuuti haddii ay ku badiyaan goolal badan, waxay xitaa meesha kala bixi karaan Eritrea oo markaas hoos ugu soo dhici karta in kaalinta u baahan isreeb-reebka kale iay soo gasho. Tartanka koobkan Afrika ee CECAFA, intii uu socday waxay Soomaaliya soo bandhigtay ciyaaro kuwo aad u wanaagsan. Seddaxdii kalun ee ugu dambeeyay mid ka mid ah ayaa Soomaaliya laga badiyay, Uganda ayaana ku garaacday 2-0. Kullankii ugu horreeyay waxay xulka Soomaaliya la dheeleen Jabuuti oo barbardhac ay la galeen, Maantana barbardhac kale ayey Eritrea la galeen, waxayna ka soo badiyeen xulka Burundi oo 1-0 ay ugu durduriyeen. Group-ka B oo ah kooxda labaad waxaa hoggaamineysa Kenya oo haysta 9 dhibcood, halka Tanzania oo ku xigta ay haysato 4 dhibcood, waxaana soo raacda Sudan oo leh 2 dhibcood, taas oo ay u aadi doonto kullan kale oo isreeb-reeb ah. CECAFA waa mid ka mid ah tartamada ugu faca wayn qaaradda Afrika, koobabka ugu badan waxaa qaadatay Uganda oo haysta 14 koob. Kooxda hadda difaacaneysana waa Kenya oo horey ugu guuleysatay 7 koob oo horyaalkan ah. Waxaa ka qeybgala tartanka dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Dalalka qaar ayaan ka qeybgaleynin Sannadka. South Sudan iyo DR Congo ayaa isaga haray seddax maalmood ka hor inta uusan furmin. Go'aankooda dalakaas wuxuu daba socday midkii Itoobiya ay ku go'aansatay in xulkeeda aysan ka qeybgaleynin Tartankan CECAFA ee 2019. Tartanka oo aalaaba ay ka qeybgalaan 12 kooxood, sannadkan sagaal oo keli ah ayaa qeyb ka ah. Waxayna dalalkaas ku hareen in ay fulin waayeen qaar ka mid ah shuruudaha uu Xiriirka qabanqaabiya CECAFA ku xiray ka qeybgalka. Sannadkii la soo dhaafay ayaa la baajiyay koobka CECAFA ka dib markii la waayay dal martigeliya. Sannadkanna 2019 waxaa martigelineysa Uganda. https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-50800898 +politics Bin Salmaan oo Turkiga u booqanaya khilaafka kala dhaxeeya Joe Biden awgiis "Dhaxa sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, ahna hoggaamiyaha daaha gadaashiisa ka maamula dalkaas ayaa maanta magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga kulan kula yeelan doona Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Waxay noqon doontaa booqashadii ugu horraysay ee uu Amiir Maxamed ku tago Turkiga tan iyo markii uu dhacay dilkii wariyihii Sacuudiga, Jamaal Khaashuqji, kaasoo mugdi galiyay xiriirka labada waddan. Erdogan ayaa Maxamed bin Salmaan kusoo dhaweyn doona xarunta madaxtooyada. Kaddib marka ay yeeshaan shirka ku saabsan xiriirka waddamadooda iyo is aragga wafdiyada, labada hoggaamiye ayaa yeelan doona casho sharaf. Safarka uu Amiir Maxamed ku tagayo Ankara waa mid muhiim u ah Turkiga iyo Sacuudiga, kaddib dhowr sano oo ay xiisad diblomaasiyadeed u dhaxaysay. Turkiga ayaa bilihii lasoo dhaafay la daalaa dhacayay dhibaatooyin dhaqaale oo aad u waawayn, sida hoos u dhaca lacagta waddankaas ee Lira-da iyo sicir bararka heerkii ugu sarreeyay gaaray. Balse maalgelin ay ka helaan waddankan khaliijka ka tirsan, ee qaniga ku ah khayraadka dhulka hoostiisa laga soo saaro, ayaa wax wayn ka qaban kara caqabadaha haysta Turkiga. As a result of rising oil prices with the Ukraine war, Saudi Arabia's profit this year is expected to exceed 400 billion dollars. For this reason, the Kingdom is looking for opportunities to increase its foreign investments. Madaxweyne Erdogan ayaa Sacuudiga booqasho ku tagay dabayaaqadii bishii April, ka hor booqashadaasna, saraakiisha Turkiga ayaa ka shaqeeyay in la saxiixo heshiisyo kala duwan oo ay la galeen shirkado Sacuudiga laga leeyahay. Arrimaha laga heshiiyay waxaa ka mid ahaa wadashaqeynta dhinaca tamarta. Hase yeeshee wali Turkiga dhibaatooyinkiisa xal looma helin. Hadda Sacuudiga ayaa u muuqda mid ay arrimuhu dhankiisa u soo janjeeraan, loona baahan yahay. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhawaan shaaciyay in uu booqan doonto Sacuudiga bisha July. Ajandaha ugu muhiimsan ee uu Biden u tagayo Riyaad waa in uu Sacuudiga iyo waddamada Khaliijka ee saliidda hodanka ku ah ka dalbado inay kordhiyaan xaddiga tamarta ay usoo dhoofiyaan si looga maarmo adeeggii tamarta ee loogu tiirsnaaan jiray Ruushka. Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa doonaya in la xoojiyo cunaqabateynta la saaray Ruushka oo dagaal ka wada Ukraine. Arrimahan waxay gabi ahaanba meesha ka saareen xasaraddii ka dhalatay dilkii wariye Jamaal Khaashuqji oo waddamo badan ay ugu caroodeen sacuudiga, sida Mareykanka iyo Turkiga. Erdgan ayaa doonaya in waddankiisa uu saldhig u noqdo ganacsiga cusub ee saliidda, isagoo loo soo marinayo dhuumaha dhulka hoostiisa mara. Eedeymaha la xiriiray dilkaas ayaa xitaa qaarkood loogu jeedinayay Maxamed bin Salmaan inuu wax ka ogaa falkaas. Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in marka uu Sacuudiga tago uusan la kulmi doonin Maxamed bin Salmaan, taas oo lama filaan noqotay. Dhanka kale, Amiir Maxamed ayaa sare u qaaday xiriirka uu la yeelanayo waddamada kale ee gobolka ka hor inta uusan Biden booqashada ku imaanin Sacuudiga. Ka hor inta uusan Turkiga aadin waxa uu Isniintii iyo Talaadadii booqday dalalka Masar iyo Urdun, halkaasoo uu hoggaamiyeyaashooda kula soo kulmay. Dalalkan ayuu u tagay si ay ugu caddeeyaan mowqifkooda ka hor inta aysan billaabanin booqashada Biden. Waxa uu sidoo kale dib u billaabay wadaxaajoodyada ku saabsan dhinaca nuclear-ka ee uu la wadaagayay waddanka ay sida wayn gobolka isaga soo hor jeedaan ee Iiraan. Tallaabooyinkan ayaa loo fasirtay kuwo uu Dhaxa Sugaha Boqortooyada Sacuudiga ugu dan leeyahay Madaxweyne Biden, si uu ugu muujiyo in uu yahay qofka hoggaanka u haya arrimaha Bariga Dhexe. Dr James Dorsey oo ka tirsan Jaamacadda Qaranka ee Singapore ayaa yiri: ""Arrintani ma aha mid ku saabsan heshiisyo ganacsi oo la xiriira tamarta, balse waxay ila tahay in Maxamed bin Salmaan uu doonayo in uu halkan ka helo dhowr wax. ""Mid ka mid ah waa in uu xoojiyo awooddiisa uu ku wajahayo Biden. Waxa uu rabaa in uu tuso inuusan waxyaabaha ka hor tagi karin oo keliya balse uu xitaa dib u dhisi karo."" Waxa uu intaas ku daray in Bin Salmaan uu caqabadda ugu wayn kala kulmi karay Turkiga balse hadda uu taas ka gudbay. ""Haliska dhabta ah ee bin Salmaan ka haysatay dilkii wariye Jamal waxay ahayd tan ku saabsan in Turkiga uu hayo caddeymo. Inta badan caddeymaha ku jira gacanta Mareykanka ma aha kuwo madax bannaan, balse waa caddeymo ay bixiyeen Turkiga,"" ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/articles/c3g35qn2230o +politics Ciidamada Britain: Dad aan isku kalsooneyn oo ciidan ahaan loo qorayo "Dadka ay baraha bulshada u noqotay balwadda, kuwa aan goobaha jimicsiga ka bixin si ay murqo waaweyn u yeeshaan iyo dadka kale ee aan isku kalsooneyn ayaa lagu dhiirageliyay in ay ku biiraan ciidamada dalka Britain. Xayeysiimo lagu soo jiidanayo ayaa lagu sameeyay dalkaas. Boorarka iyo xayeysiimaha ee ololahan lagu muujiyay waxaa lagu sheegay in xubnaha ciidamada xoogga ay ku nool yihiin ""kalsooni buuxda oo aan dhammaad lahayn"". Arrinta middaa ka soo horjeedana ay tahay ku qanacsanaanta aragti yar iyo kalsooni gaaban oo laga helo lebiska iyo like-ta Instagram. Dalalbkan ciidamada waxaa laga soo guuriyay cilmi baris lagu sheegay in dhallinyarada ay aaminsan yihiin in dib u celin ay kala kulmayaan kalsooni darada ay naftooda ku qabaan. Tirada ciidamada Militariga Britain waxay hoos u dhacday sannadkii sagaalaad oo xiriir ah, ka dib qiimeyn lagu sameeyay 2018-kii. Codsigan oo ah mid la sameeyo Bisha January ee sannad kasta waxaa lagu shaqaaleysiiyaa dhallinyaro cusub oo ciidanka ka mid noqda. Labada sawir oo ololaha lagu soo qaatay waa dad murqo leh oo qalabka jimicsiga haysta, waxaana lagu qoray: ""Kalsoonida waxay ku egtahay xagaaga ama waa mid weligeed jirta"". Farriimo kale oo lagu dhalleeceynayay kalsoonida xilliga yar ku eg ayaa sidoo kale lagu dhejiyay macaahidda, waxaan lagu buufiyay gawaarida ciidamada, dharka, waxaana la sameeyay waxyabo baraha bulshada la geliyo. Col Nick MacKenzie, madaxa tababarada ciidamada ee UK wuxuu sheegay in ololaha uu yahay mid lagu saleynayo guusha ay gaareen dhallinyaradii sannadkii tagay ku biirtay askarta. Xayeysiisntaa 2019-kii waxay noqotay mid la yaab leh ka dib markii la dhiirageliyay noocyo kala duwan oo dhallinyaro ah si ay askarta uga mid noqdaan. Waxaana sidoo kale la adeegsaday farriintii dagaalkii koobaad ee dunida ee ahayd ""dalkaaga wuu kuu baahan yahay"". Xilligaas, illaa 13,520 oo qof ayaa is qortay illaa bishii August, taas oo 1,593 ka yar tiradii la qoray 2018-kii ee ahayd 14,860. Khamiistii, Colonel MacKenzie wuxuu yiri: ""Waxan aad ugu faraxsanahay in dad badan ay go'aansadeen in ay sannadkan ciidamada ka mid noqdaan, taas oo ah natiijo ka dhalatay ololaha guuleystay ee aan sameynay."" Arritan waxaa lagu saleeyay baaritaan ay sameeysay hay'adda Price Trust, sannadkii 2018-kii oo boqolkiiba 54% oo ah dhallinyarada ay da'dooda u dhexeyso 16 illaa 25 sano ay aaminsan yihiin in kalsooni darada ay naftooda ku qabaan ka celineyso in ay horumar dhanka nolosha ah sameeyaan. Cpl Katie Carter, oo ku biiray ciidamada UK markii uu 16 sano jirka ahaa wuxuu hadda dhallinyarada u sheegayaa in ay askarta ka mid noqdaan. Walbahaarkooda ugu weyn waa in meel kale loo daad gureeyo oo ay gurigooda ka tagaan." https://www.bbc.com/somali/war-50964104 +politics Wiilka Donald Trump iyo Twitter oo ay ka dhex tolatay "Twitter ayaa muddo 12 saacadood ah ka mamnuucday inuu barta wax ku daabacao curadka madaxweyne Trump. Ciqaabtan ayaa timid ka dib markii wiilka Donald Trump uu barta ku daabacay muuqaal looga hadlayo faa'iidooyinka dawada Hydroxychloroquine. Dadka qaar oo uu ka mid yahay madaxweyne Trump ayaa soo jeediyay in dawada ay wax ka tareeyo fayraska corona inkastoo baaritaannada dhanka caafimaadka ay naqdiyeen soo jeedintaasi. Barta Twitter ayaa sheegtay in muuqaalkiisa uu ku xad-gudbayo sharciyada la xiriira wararka been abuurka ah xanuunka Covid-19. Donald Trump Jr ayaa weli loo ogol yahay inuu isticmaalo barta uuna farrimaha gaarka ah u diro macaamiishiisa balse barta waxba kuma baahin karo. Twitter ayaa BBC-da u sheegtay: ""Waxaan sameeyneynaa ficil la xiriira siyaasadeheena barta."" Dhammaan baraha caanka ah ee ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa qaaday tallaabo lagula dagaalamayo wararka been abuurka ee coronavirus. Andy Surabian, oo ah afhayeen u hadlay wiilka Donald Trump ayaa BBC-da u sheegay in go'aankaasi uu yahay ""mid lagu deg-degay"" ""Twitter waxa uu muddo kooban ka mamnuucay Donald Jr inuu barta wax ku daabaco taasi waxay muujineysaa in barta ay cadeyneyso iney dileyso xornimada hadalka ee Online-ka, sidoo kale waxay tallaabadani daliil u tahay in barta Twitter ay isku howleyso faragelinta doorashada si ay u caburiso codadka xisbiga Republican-ka,"" ayuu yiri. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in uu liqay dawada looga hortago cudurka duumada ama malaariyada ee hydroxychloroquine. Trump wuxuu sheegay in dawadan uu ugu talagalay in uu isaga difaaco fayraska Covid-19, in kastoo seynisyahannada ay ka digayaan dhibaatada ka dhalan karta. Mr Trump wuxuu marar badan ""wax tarka ay dawadan u leedahay coronavirus"" ku sheegay shirarka jaraa'id ee uu ku qabanayay Aqalka Cad, wuxuuna yiri: ""Maxay kaa dhibeysaa? isticmaal."" Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa isagana sheegay in dawada loo adeegsado Malaariyada ay meel kasta ka shaqeyneyso, inkastoo hadalkaas ay shirkadda Facebook meesha ka saartay, maadaama ay sheegtay inuu hareer marayo sharciga ay kula dagaallameyso faafinta xogta marin habaabinta ah. Wixii ka dambeeyay hadalkii uu madaxweyne Trump arrintaas ku sheegay dabayaaqadii bishii March, waxaa jiray sare u kac weyn oo lagu soo warramay inuu ku yimid isticmaalka dawada malaariyada ee gudaha Mareykanka, inkastoo dalabkaas uu markii dambe hoos u dhacay. Kaniinnada ka sameysan maaddada chloroquine-ta waxaa muddo dheer loo isticmaalayay in lagu daweeyo xanuunka ay kaneecada sababto ee malaariyada, si loogu dhimo qandhada iyo kuleyka xad-dhaafka ah, rajaduna waxay tahay inay dawaasi sidoo kale ula tacaali karto faraska dhaliya cudurka Covid-19. Ma jirto caddeyn ku filan oo lagu helay tijaabooyinka ilaa hadda lagu sameeyay waxtarka kaniinnadaas iyo sida ay u caawin karaan bukaannada qaba coronavirus. Waxaa kale oo jirta khatar weyn oo ku saabsan inay waxyeello sababi karaan, waxaana ka mid ah dhaawacyo soo gaari kara kalyaha iyo beerka. ""Waxaan u baahan nahay tijaabooyin caafimaad oo waaweyn si aan cabir sax ah ugu sameyno saameynta ka imaan karta,"" ayuu yiri Kome Gbinigie, oo ah qoraaga daraasadaha ku saabsan Covid-19 ee Jaamacadda Oxford. In ka badan 20 tijaabo ayaa la sameeyay. Meelaha laga sameeyay waxaa ka mid ah Mareykanka, UK, Spain iyo Shiinaha. Dalka Mareykanka tijaabooyin badan ayaa ka socda si loo ogaado wax tarka dawooyin la isku daray oo ay ku jiraan hydroxychloroquine iyo qallajiyeyaal lagu magacaabo azithromycin, kuwaasoo la eegayo inay daweyn karaan bukaannada Covid-19." https://www.bbc.com/somali/war-53568788 +politics Su'aalo ka dhashay Amiir ka tirsan boqortooyada Ingiriiska iyo nin dambi weyn loo haystay "Ninka maalqabeenka ahaa ee Jeffrey Epstein oo isku dilay xabsi dhexdii, isaga oo wajihi lahaa dacwad la xiriira tahriibinta dumarka jirkooda ka ganacsada iyo shirqoolla kale ayaa waxaa soo ifbaxay inuu ninkaasi uu xiriir aad u dhow la lahaa qoyska boqortooyada Britain. Jeffrey Epstein oo ahaa ninka xidhiidhka aadka u dhaw uu ka dhaxeeyey amiir Anderw waxaa lala xidhiidhiyey inuu gabdhaha yaryar oo aan qaan gaarin u uu tahriibin jiiray si ay jirkooda ugu ganacsadaan. Haddaba Amiir Andrew oo 59 jir oo ah da'da labaad ee boqorad Elizabeth, marki la shaaciyey muuqaal uu kula jiro Jeffery ayey warbaahinta Britain billaabeen iney Amiirka weydiiyaan xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Jeffery oo ay ku socotay dacwadda kiis aad u culus. Jeffrey Epstein waxaa 2008 lagu riday xukun, iyada oo marki dambana lagu soo oogay dacwad ah tahriibinta dumarka si ay jirkooda ugu ganacasadaan ka hor inta uusan xabsiga dhexdiisa isku dilin . Wargeyska The Mail ee dalka Britain ka soo baxa ayaa boggiisa hore ku daabacay sawirka Jeffrey Epstein iyo Amiir Andrew sawir ay iskula jiraan. Muuqaalka wargeyska uu sawirradan ka soo qaatayna waxaa la sheegay inuu yahay mid la duubay 2010-ka oo ah laba sana kaddib marki Jeffery dacwaddi ugu horreysay lagu helay. Maalqabeenka hore ee gacantiisa isku dilay dacwadda ku socotay 2008-dda waxay ku soo gabagabowday xukun lagu riday kaddib marki lagu helay dambi ah inuu tahriibinta dumarka jirkooda ka ganacsado uu ku shaqo leeyahay. Hase yeeshee, xukunki lagu riday ninkaasi oo ay hay'adaha garsoorka Mareykanka isku khilaafeen ayaa keentay inuu xabsi daa'imki uu muteysan lahaa uu ka badbaado. Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa si weyn u cambaareysay dacwadda ay hay'adaha garsoorka laaleen maadaamaa uu dambiga uu galay Epstein uu ahaa ,mid aad u culus, FBI waxay iyaduna sii wadatay baaritaankeeda si ay u hesho dhibbanayaal iyo markhaati cad oo arrintan ka qayb qaadatay. Jeffrey Epstein wuxuu ku dhashay magaalada New York wuxuuna ahaa macallin inta uu maalqabeen noqon. Inta dambiyada loo haysto lagu soo oogin wuxuu ahaa nin caan ku ahaa maalkiisaa iyo xiriirada ganacsi uu leeyahay. Wuxuuna ahaa ninkaasi nin xiriirkiisa ganacsi uu u fududeeyey in shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Mareykanka ee hadda Donald Trump, Madaxweynihi hore Bill Clinton iyo Amiir UK Amiir Andrew uu la kulmo. Wargeyska New York oo soo xiganaya madaxweyne Trump wuxuu Epstein uu ku tilmaamay ""Shaqsi cabsi badan"". Balse sanadkan wuxuu Mr Trump uu sheegay ""inuusan ahayn taageerada Epstein"". Ninkan oo ahaa maalgeliye hore dhammaan lacagihi akaawunkiisa ugu jirtay wuxuu ku shubay akaawunka sanduuqa 1953, sida ay sheegeyso nuqul warqadda dardaaranka ninkaasi oo waregeyska New York Post lagu daabacay, wuxuuna warqadda dardaaranka uu saxiixay 8-dda August. Balse meelna laguma sheegin cidda deeqdaasi lacageed ka faa'ideysaneyso, lacagahaasi oo isugu jira $56 milyan oo doolar oo caddaan ah, hanti ma guurta ah oo u dhiganta $14 milyan oo doolar iyo $18 milyan oo doolar oo gaadiid iyo hanti kale lagu qiimeeyey. Muuqaalka la baahiyey ka sokoow waxaa sida oo kale la helay sawir 2001-dii laga qaaday Amiirka Britain oo gacanta haysta Virginia Robert, waxayna Robert ay maxkamad ku taallo Mareykanka ay ka furtay kiis ka dhan ah Amiirka oo ay ku sheegeyso inuu u galmooday xilli ay da'deedu ahayd 17 jir, iyada oo isbarashadoodana uu sabab u ahaa Jeffrey Epstein. Hase yeeshee, qasriga Buckingham ee boqortooyada Ingiriiska ayaa eedda ku gacan seyrtay, waxayna gaashaanka u darooreen dacwadda maxkamadda. Haddaba wargeyska oo diidmada boqortooyada ka jawaabaya ayaa muuqaalkaasi baahiyey maalinti Axadda. ""Diidmada ay carada ku jirto ma aha mid soconeyso"" wargeyska oo barnaamijka Newsnight ka qayb galay, wuxuuna telefishiinka BBC u sheegay iney jiraan ""Su'aalo Jawaabo u baahan."" ""Arrintan waa arrin xasaasi ah. Waxayna noqon doontaa mid saameyso Amiirka iyo Qasriga Buckingham."" Epstein waxaa lagu soo eedeeyey inuu gabdhaha yaryar oo ay da'dooda ka hooseyso 18 jirka uu galmo la sameeyey iyo inuu tahriibiyey inta u dhaxeysay 2002 - 2005. Waxaana xabsiga loo taxaabay 6-da July isaga oo diyaaraddiisa qaaska ah safar ku tagay New Jersey. Wuxuuna sida oo kale diiday dacwadda la xiriirta heshiisyo uu 2008-ddi si khaldan u galay, iyada oo marki dambe lagu helay dambi aad u yar. Xeer-ilaaliyayaashu waxaa kale oo ay Epstein ku eedeeyeen inuu lacaga badan siiyey laba qof oo kiiska dacwadda loo haysto oo lagu wado iney sanadka dambe billaabato uga markhaati furaan." https://www.bbc.com/somali/war-49457942 +health HIV: Haweeneydii ugu horreysay oo la aaminsan yahay in laga daweeyay fayraska "Bukaan u dhalatay dalka Mareykanka ayaa la aaminsan yahay inay tahay qofkii saddexaad iyo haweeneydii ugu horreysay ee abid laga daweeyay fayraska HIV-ga. Gabadhan ayaa baadhitaankii lagu sameeyay looga waayay fayraska kaddib markii lagu daweeyay hab dhiig kale loogu tallaalay. Bukaanka ayaa laga daweeyay xanuunka nooca loo yaqaanno ""leukaemia"", iyadoo lagu tallaalay unugyo dhiig ah oo uu lahaa qof si dabiici ah uu jirkiisa isaga difaaco fayraska sababa cudurka Aids-ka. Muddo 14 bilood ah ayay haweeneydan xor tahay faraska. Balse khubarada ayaa sheegay in habka loo adeegsaday daweynteeda, oo unugyada dhiigga loogu beeray, uu yahay mid aad u halis badan, suurtagalna aan u ahayn inta badan bukaannada HIV-ga. Kiiska bukaankan ayaa lagu soo bandhigay shir caafimaad oo Talaadadii ka dhacay magaalada Denver, waana markii ugu horreysay ee habkan loo isticmaalo daweynta hirgasha ee caabuqa sababa cudurka Aids-ka. Bukaankan ayaa markii unugyada dhiigga ee cusub lagu tallaalay aan u baahanin dawooyinka joogtada ah ee lagu xakameeyo fayraska. Kiiskan waxa uu qayb ka ahaa daraasad ballaadhan oo laga sameynayay dadka qaba HIV-ga ee dalka Mareykanka, kuwaasoo loo sameeyay adeegyo la mid ah kaas oo dhiigga looga baddalay si looga daweeyo cudurro halis ah. Unugyada lagu tallaalay oo ahaa kuwo lasoo xushay waxay lahaayeen difaac hiddo dhaxal ah, taasoo ka dhigan in uusan soo gali karin fayraska HIV-ga. Seynisyahannada ayaa aaminsan in difaaca jirka ee bukaannada adeeggan loo fuliyo uu awood u yeelanayo inuu iska celiyo fayraska. Dhammaan sheekooyinka ku saabsan dadka laga daweeyay HIV-ga waa kuwo taariikhi ah oo ay tahay in loo dabaal dego - waxayna accadeyn u yihiin in arrintaas la hirgelin karo. Balse tallaabadan ma aha mid noo dhaweyneysa in dawo loo helo 37 milyan oo ruux oo la nool HIV, kuwaasoo oo intooda badan ay ku nool yihiin waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika. In baddalista unugyada dhiigga ay xal noqon karto waxaa lasoo jeediyay sanadkii 2007-dii, markaasoo Timothy Ray Brown uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee laga ""daweeyay"" HIV. Waxaa lagu tallaalay dhiig laga shubay qof uu jirkiisa awood u leeyahay inuu iska celiyo fayraska. Tan iyo xilligaas, waxaa habkan loo adeegsaday labo ruux oo keliya, oo ka ah Adam Castillejo iyo bukaanka hadda laga daweeyay ee ah haweeneyda kasoo jeedda magaalada New York. Dhammaan saddexda ruuxba waxay sidoo kale qabeen cudurka kansarka, waxa ayna u baahnaayeen in unugyada laga baddalo si ay u noolaadaan. In laga daweeyo HIV ma ahayn ujeeddada ugu weyn , habkanina waa mid aad u halis badan oo aan cid walba la marsiin karin. Waxaa kale oo xusid mudan in dawooyinka kaalmaatiga ah ee la siiyo bukaannada HIV ay seynisyahannadu sheegeen inay ka caawinayaan sidii ay caadi ugu noolaan lahaayeen. Rajada ugu weyn ee laga qabo in dawo loogu helo fayraskan waxaa wali diiradda lagu saarayaa in la helo tallaal ama daawo toos ah oo cudurka ka saari kara jirka. Haweeneydan ugu dambeysay ee dhiigga cusub lagu tallaalay waxay ka duwan tahay labadii bukaan ee hore, kuwaasoo helay dhuux. Sharon Lewin, oo ah madaxweynaha la doortay ee Bulshada la nool Aids-ka, ayaa sheegtay in habkan daweynta ah aysan ahayn mid wax u tareysa inta badan dadka qaba cudurka. Balse waxa ay intaas ku dartay in kiiskan ""uu xaqiijinayo in wali ay suurtagal tahay helista daawada HIV""." https://www.bbc.com/somali/war-60412157 +technology "John McAfee: Nin dowr weyn ka qaatay tiknoolojiyadda adduunka oo ""xabsi isku dhex dilay""" "Aasaasihii baarnaamijka ka hortagga fayrasyada kombiyuutarada ""McAfee Antivirus"" John McAfee ayaa meydkiisa laga helay xabsi ku yaalla magaalada Barcelona saacado kadib markii maxkamad ku taal Spain ay aqbashay inay dib ugu celiso Mareykanka si loogu qaado dacwad ku aaddan canshuur lunsasho. Waaxda cadaallada ee maamulka Catalonia ayaa sheegtay in dhakhaatiirta gargaarka degdega ah ay isku dayeen inay badbaadiyaan McAfee, balse aysan u suurogelin. Waxay sheegtay inay jiraan calaamado muujinaya inuu isaga gacantiisa isku dilay. Maalqabeen doonaya cid ku wehlisa safarka dayaxa Sidee maalqabeen ku noqon kartaa? raac 10 qodob Shirkadda McAfee waxay soo saartay barnaamijkii ugu horreeyay ee ganacsi ee lagula dagaallamo fayraska kombiyuutarada. McAfee VirusScan wuxuu helay balaayiin dollar, ugu dambayntiina waxaa looga iibiyey shirkadda weyn ee teknoolojiyadda Intel in ka badan 7.6 bilyan oo dollar. Bishii Oktoobar ee 2020 John McAfee ayaa lagu xiray Spain isagoo markaas doonayay inuu diyaarad u raaco Turkiga, waxaana lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu soo xareeyo canshuur celinta muddo afar sannadood ah, inkastoo uu maaliyiin lacag ah ka sameeyay barnaamijyo kala duwan. Waaxda cadaallada Mareykanka ayaa ku andacootay in McAfee uu ka baxsaday mas'uuliyiinta canshuuraha iyadoo dakhligiisa lagu shubo akoonnada bangiyada iyo akoonnada lacagaha loo yaqaan 'cryptocurrency' oo adeegsanaya magacyada dad kale oo aan la aqoon. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu hanti maguurta ah oo uu lahaa oo ay ku jiraan doonyo iyo hantida kale uu qariyay, isagoo isticmaalaya magacyada dad kale. Maxkamadda qaranka ee Spain ayaa subaxnimadii Arbacada dowladda dalkaas u oggolaatay inay Mareykanka u gacan geliso McAfee si uu u wajaho eedeymahaha loo haysto. Sanadihii la soo dhaafay, McAfee wuxuu si isdaba joog ah u sheeganayay inay jirto qorshe la doonayo in lagu xiro. Si kastaba ha ahaatee maxkamada ayaa sheegtay in ""aysan jirin cadeyn muujineysa"" in loo maxkamadeynayo sababo siyaasadeed ama fikir, sida uu weriyay wargeyska El Pais. Ganacsadaha, oo ku dhashay magaalada Gloucestershire, ee dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay soo caanbaxay sannadadii 1980-meeyadii ka dib markii uu aasaasay shirkaddiisa tiknoolajiyadda McAfee VirusScan. In kasta oo uu hormuud ka ahaa ammanka kombuyuutarka, haddana wuxuu mar qirtay in uusan weligii barnaamijkaas ku isticmaalin kombiyuutarkiisa gaarka ah - ama barnaamij kasta oo ka hortagga fayraska. ""Waxaan naftayda ku ilaaliyaa anigoo si joogto ah u bedalaya cinwaankayga IP [internet protocol], anigoon magacayga ku lifaaqayn aalad kasta oo aan isticmaalo, iyo in aanan aadin goobaha aad ka qaadan karto virus,"" ayuu u sheegay weriyaha teknolojiyada ee BBC Leo Kelion sanadkii 2013. ""Tusaale ahaan, ma daawado muuqaallada anshax xumada ah ee ku jira internate-ka."" Wuxuu sidoo kale billaabay dedaalo uu ku doonayay inuu ku noqdo musharraxa Xisbiga Libertarian ee doorashooyinka madaxtinimada ee 2016 iyo 2020 balse wuu ku guuldareystey. Sannadkii 2019 McAfee wuxuu muujiyey sida uu u neceb yahay canshuuraha, isaga oo bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuusan bixin wax canshuur ah muddo siddeed sanadood ah isagoo ku tilmaamay canshuurtu inay tahay sharci darro. Isla sanadkaas muddo kooban ayaa lagu xidhay Dominican Republic ka dib markii lagu eedeeyay inuu hub soo geliyay waddankaas." https://www.bbc.com/somali/war-57591740 +health Coronavirus: Qalab difaaca jirka lagu baaro oo rajo wanaagsan laga muujiyey "Tijaabada ayaa lagu sameeyey dadka uu horay u haleelay coronavirus oo ay xaqiijiyeen xirfadlayaasha caafimaadka England. Hay'adda daryeelka bulshada ee England waxay sheegtay qalabkan lagu baaro difaaca jirka oo ay sameeysay shirkad dawooyinka soo saarta ee Roche 'In rajo aad u wanaagsan laga muujiyey'. Tijaabadaasi dhiigga lagu sameeyo ayaa ah mid lagu eegayey qofka uu faayraska ku dhacay, iyo awooddooda difaaca jirkooda hadda sida uu yahay. Waxayna khubaradu sheegeen, ilaa iyo hadda tijaabadaasi inaan la odhan karin natiija kama dambeys ah ayaa ka soo baxday ayna ahayn mid lagu kalsoonaan karo. Balse ila wareedyo xog ogaal ah waxay sheegeen iney tijaabadani tahay tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo haatan la sameeyo. Khubaradu waxay toddobaadki hore qiimeyn ku sameeyeen tijaabadaasi la sameeyey iyo waxa ka soo baxay, hay'adda daryeelka caafimaadka bulshada ee England waxay sheegtay tijaabadan iney tahay 'mid gaar ah'. Barafasoor John Newton, oo iskuduwaha dalka UK u qaabilsan barnaamijka tijaabada coronavirus, wuxuu sheegay ""Tijaabada iney ka soo baxday rajo aad u weyn tijaabadaasi oo ahayd mid gaar ah habka tijaabada loo sameeyeyna ay tahay mid lagu kalsoonaan karo."" ""Tallaabbadan waxay tilmaameysaa difaaca jirka qaarkii uu sida uu cudurka mustaqbalka qofka u haleeli lahaa uu isaga difaaci karo, balse waxaa weli jira waxyaaba badan oo aan caddeyn oo u baahan in cilmibaadhis dheeri ah in lagu sameeyo."" Shirkadda Roche ee qalbkan soo saartay waxay sheegtay iney tijaabada iyo halka ay wax u maayaan ay kala hadashay waaxda caafimaadka iyo daryeelka bulshada, sidi ay qalabkaasi u adeegsan lahayd hay'adda adeegga caafimaadka qaranka ee England ee NHS. Xirfadlayaasha caafimaadka ee Scotland, Wales iyo Waqooyiga Ireland waxay qaateen go'aan iyaga u gaar ah, balse waxaa looga fadhiyaa iney raacaan England wixi ay sameyso. Qalabka tijaabada loo adeegsaday waxaa markiba ansixiyey si loo isticmaalo Midowga Yurub iyo Mareykanka. Tijaabada baaritaanka jirka ee Fayraska corona ayaa ka mid ah aaladaha muhiiimka ah ee wax weyn ka tarayo xayiraadaha covid-19 ka dhashay. Haddii uu shaqaalaha horay uu cudurka ugu soo dhacay oo difaaca jirkiisuna uu wanaagsan yahay wey habboon iney goobahooda shaqada ku noqdaan qaar ahaanna shaqaalaha daryeelka caafimaadka bulshada ka shaqeeya. Iskudayga ugu dambeeyey lagu iibsanayo aaladdan la tijaabiyey ayaa xoogaha dib u dhac ku imanayaa maadaamaa qalabkaasi aan si buuxda weli looga kalsoonaan karin oo uu tijaabo marayo. Ila wareedyo ayaa sheegaya qalabkan cusub ee baaritaanka difaaca jirka loo adeegsanaya oo ay soo saartay shirkadda Roche, inuu ka mid yahay noocyadi ugu horreeyey oo baahi aad u weyna loo qabay. Haatanna shirkadda qalabkaasi soo saartay iyo dowladda waxaa u socda wada hadal ku saabsan sidi loo soo saari lahaa tira aad u badan oo qiima macquul ahna lagu iibsan karo. 'Rajooyinka beenta ah ee ka horreeyey' Wasiirka caafimaadka Matt Hancock ayaa toddobaadki hore sheegay UK iney wadahadal kula jirto shirkadda Roche ""Si ay u soo saarto"" tiro aad u badan oo qalabka lagu baaro difaaca jirka. Wuxuuna wasiirku sheegay iney jireen 'rajooyin been ah oo ka horreeyey' wuxuuna intaa ku daray dowladda iney xogta rasmiga ah ay shaacineyso marka ay wax weliba diyaar noqdaan. Waaxda daryeelka caafimaadka iyo arrimaha bulshada waxay sheegtay qalabka lagu baaro difaaca jirka in la shaaciyey ""wakhtihgi ku habboonaa."" Afhayeen u hadashay wasaarradda caafimaadkana waxay sheegtay: ""Qalabkan lagu baarayo difaaca jirka ee la allifay inuu qayb ka yahay tubabaka lagu xakameynayo faafitaan Covid-19, isla-markaana uu gacan ka geysanayo in si fudud loo ogaado qofka uu cudurka haleelay.""" https://www.bbc.com/somali/war-52656312 +health Tallaalka Corona ee jaamacadda Oxford oo hakad la galiyay iyo dad lagu tijaabiyay oo ku xanuunsaday "Tijaabo lagu sameeynayay talaalka feyriska Corona ayaa la hakiyay guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay. Waa markii labaad oo hakad la galinayo talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca. Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabadani talaal la dhigay isbataal islamarkana baaritaan madaxbanaan lagu sameyn doono. Waxaa uu afhayeenka intaa ku daray in seynisyahanadani ay ka go'an tahay inay mudnaanta siiyaan badqabka dadwaynaha. In ka badan 10'000 oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka UK iyo dalal kale ayaa ka qeyb galay tijaabada talaalkani. Waxaa sidoo kale talaalkan tijaabadiisa ka qeyb galay muwaadiniinta dalalka Koonfur Afrika, Brazil iyo Mareykanka. Waxaa guud ahaan caalamka ay shirkadaha iyo dowladaha u kala cararayaan sidii loo soo saari lahaa talaal looga hortago feyriska fara'aha ba'an ku haya caalamka ee Corona. Waxaa caalamka guud ahaan imika tijaabo ku jira 30 tallaalka looga hortagayo feyriska Corona oo ay wadaan shirkado iyo Seynisyahano kala duwan. Balse tijaabada tallaalka ee ay waddo jaamacadda Oxford ayaa la rumaysan yahay in uu yahay midka ugu hormarsan. Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu doonayo in talaalka feyriska Corona uu diyaar noqdo ka hor doorashada 3 bisha November. Balse hadalkiisa ayaa waxaa ka dhashay walaac ku aadan in laga yaabo in mudnaanta la siiyay siyaasadda oo aan la eegin badqabka talaalka. Talaadadii koox shirkado ah oo ka kooban 9 islamarkana ku howlan sameynta tallaal Covid-19 ayaa dadwaynaha u xaqiijiyay iyaga oo ku dhawaaqay ""ballanqaad taariikhi ah "" oo ku saabsan in la dhowri doono anshaxa tayada iyo heerka marka la baadigoobayo talaalka. Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in ku dhawaad 80 nooc oo talaal ah la tijaabiyay guud ahaan caalamka, balse dhammaantood aan wai la dhameystirin." https://www.bbc.com/somali/war-54083098 +health Gaaska qosolka iyo halistiisa caafimaad "Gaaska qosolka oo haddii aad jiiddo ama nuugto kaa qoslinaya ayaa loo adeegsadaa siyaabo kala duwan, waxaa ka mid ah dhanka caafimaadka oo ay dhaqaatiirtu u adeegsadaan inay ku suuxiyaan bukaanka, warashada cuntada oo u isticmaala waxyaabo ay ka mid yihiin kareemka cuntada iyo kuwa kale. Balse gaaskan fudud oo aan lagu ogeyn halis hore ayey dadku u adeegsadaan siyaabo kale oo ay ka mid yihiin meelaha xafladaha ah iyaga oo nuugaya ka dibna qosol la dhacaya, waana taas sababta keentay in la ogaado inuu leeyahay halis caafimaad oo xataa dhimasho ah. Dhakhaatiirta cisbitaal ku yaal bariga London ayaa sheegay inay arkayaan kiisas badan oo halis ah kuwaas oo ku saabsan si xun u isticmaalka gaaska qosolka taasoo keentay inay dejiyeen habraacyo daaweyn oo loogu talagalay shaqaalaha gudaha UK. Gaaska 'Nitrous oxide', oo lagu iibiyo gasacadaha birta, waa mid ka mid ah dawooyinka inta badan ay isticmaalaan dhalinta 16 ilaa 24 sano jirka ah. Isticmaalka badan wuxuu u horseedi karaa yaraanta fiitamiinada taasoo dhaawaceysa neerfaha laf dhabarta. Kooxda Royal Hospital ee London ayaa sheegay in dhakhaatiirtu ay u baahan yihiin inay feejignaadaan. Waxay la kulmaan kiis cusub toddobaad walba oo ah qof dhibaato kasoo gaadhay isticmaalka gaaskan. Bukaannadani waxay la yimaadaan astaamo la xiriira neerfaha - iyagoo aan awoodin inay socdaan, iska dhacaya ama gariiraya ama luminta dareenka cagaha iyo gacmaha. Qaarkood waxay dhibaatooyin ka qabaan kaadiheysta, dareemayaasha iyo mindhicirrada ama ceshad la'aanta kaadida. Prof Alastair Noyce, oo ah lataliye ku takhasusay neerfaha oo ka tirsan jaamacadda Queen Mary ee London, ayaa BBC-da u sheegay: ""Kuwa aan badanaa aragno waa da’ yar - dhallinyaro iyo dadka 20-meeyo jirka ah. ""Waxa hadda muuqda waa darnaanta. Waxaan aragnay kororkaas 12-kii bilood ee la soo dhaafay."" Waxa uu sheegay in laga yaabo in ay la xidhiidho dadka isticmaala daasadaha waaweyn ee gaaska oo qaadi kara inta ay qaadan 60 ama 70 xabbo oo ka mid ah gasacadaha yaryar ee lagu arki karo waddooyinka iyo jardiinnada. ""Haddii aad isticmaalaysay oo aad isku aragtid calaamadaha, jooji isticmaalka isla markiiba oo u raadso gargaar caafimaad sida ugu dhakhsaha badan,"" ayuu yidhi. Gaaskani waxa uu dhaawici karaa habdhiska dareenka isa goo carqaladeynaya kiimikaadka dheef-shiid fitamiin B12. Tani waxay dhaawacdaa lakabka difaaca ee neerfaha, oo sida caadiga ah kuwa ku yaal gadaasha lafdhabarta. Si deg deg ah oo loo saxo yaraanta fitamiin B12, iyadoo lagu durayo fiitamiinada, waxay ka hortagi kartaa dhaawac joogto ah. Tilmaamaha, oo ay ayideen Ururka Dhakhaatiirta Neerfaha ee Ingiriiska oo ay qoreen khabiiro ka socda Manchester, Birmingham, Nottingham iyo Jaamacadda Queen Mary ee London, waxay uga digayaan dhakhaatiirta timaamaha la raadiyo iyo sida loo daweeyo. Nitrous oxide waxay hoos u dhigtaa maskaxdaada iyo jawaab celinta jidhkaaga Hadii aad iska badiso waad suuxi kartaa, miyir beeli karta , ama neefta aya ku qaban karta Isticmaalka culus ee daba-dheeraada wuxuu kaloo sababi karaa dhaawaca neerfaha In aad si toos ah uga nuugto qasacadda, aadbey halis u tahay - gaasku waa baraf qabow cadaadis sarena leh, kaas oo dhaawici kara dhuunta iyo sambabada, joojinta neefsashada ama hoos u dhigi karta shaqada wadnaha Waxa kale oo ay keeni kartaa dareen gaaban laakiin aad u daran oo shakiga nafsaaniga ah Dowladda England iyo Wales ayaa ka fikiraysa mamnuucida isticmaalka iyo iibinta sababo la xiriira caafimaadka. Bishii Janaayo, Nederland waxay noqotay waddankii ugu horreeyay adduunka ee isticmaalka gaaskan sharci darro ka dhiga. Masuuliyiinta ayaa sheegay in gaaska weli loo isticmaali karo arrimo caafimaad, suuxin ahaan, iyo warshadaha cuntada - sida kicinta samaynta kareemka. Emma Cain, oo wayday wiilkeeda Jon ka dib markii uu isticmaalay nooc kale oo gaas ah oo kacsan oo lagu magacaabo butane, ayaa dhalinyarada kale uga digaysa khatarta ay leedahay in la nuugo gaaskan. Jon wuxuu ku dhintay da'da 17 jir waxaanu wadnuhu istaagay 2011 isla markiib markii uu neefsaday gaaska fudud. Wareysi ay siisay BBC bishii Oktoobar, ayay ku tiri: ""Waxaan ahay hal qof oo keliya, oo isku dayaya inaan dadka ka joojiyo inay isticmaalaan, xataa hadii ay ka dhigantahay inaad waddoyinka ku joojiyo, taas ayaan sameyn doonaa. ""Waxaan u sheegi doonaa inay khatar tahay, iyo inay noloshooda ku ciyaarayaan."" Kerry-Anne Donaldson, oo 26 jir ah, kana timid London, ayaa bilawday qaadashada gasacadaha gaasta qosolka markii ay 18 jir ahayd, badanaa marka ay xafladaha joogto. Markii ugu horeysay ee Kerry-Anne ay ku dhammaato cisbitaalka, aad bay u bukootay - laakiin way sii waday qaadashada ""si aan u helo dareenka sare ee aan dareemay"". Lugaha, gacmaheeda iyo cagaheeda ayaa noqday kuwo aad kabuubyo u ah oo xiiqsan ilaa, sannadkii hore ay socodka gabtay. ""Waxaan ahaa 24 jir, mana aanan samayn tan iyo markii aan 23 jirsaday - laakiin waxyeelladu weli way jirtaa,"" ayay tiri. Waxay sheegtay inay hadda kacdo oo ay ku dhex wareegi karto gurigeeda, balse aanay aadi Karin dukaanka. ""Fariinta aan u dirayo dadka kale waxay noqon doontaa 'ha samaynina,'. ""Ugu yaraan naftaada baro oo ogow waxyeelada ay keeni karto. Maan dhegaysan oo waxaan ka qariyey saaxiibaday inaan isticmaalo,"" ayay tidhi. Golaha la-talinta ee ku-takri-falka maandooriyaha ayaa la filayaa inuu bixiyo talo ku saabsan in nitrous oxide dembi laga dhigo iyo in kale sannadkan. Prof Tom Warner, oo madax ka ah Ururka Dhakhaatiirta Neerfaha ee Ingiriiska, ayaa sheegay in u isticmaalka nitrous oxide madadaalo ahaan ay leedahay khatar weyn." https://www.bbc.com/somali/articles/c724xg9kz93o +business Maxay tahay sababta warbaahinta Trump loogu uruuriyay $1bn oo doolar? "Shirkadda cusub ee baraha bulshada u qaabilsan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegtay inay uruurisay $ 1bn oo doolar taas o ay ka heshay dad maalgashato ah ka hor soo saarista liiska suuqa saamiyada ee la qorsheeyay. Kooxda Trump u qaabilsan warbaahinta iyo Teknooloojiyadda ayaa ka shaqeyneysaa inay xarigga ka jarto sanadka nagu soo aadan bar cusub oo oo lagu magacaabo Truth Social. Waxay arrintani imaaneysaa xilli Trump laga mamnuucay Twitter-ka iyo Facebook ka dib weerarkii lagu qaaday Aqalka Capitol ee Mareykanka bishii January ee sanadkii tegay. ""Uruurinta $ 1bn oo doolar waxay fariin muhiim ah u direysaa shirkadaha waaweyn ee qaabilsan teknooloojiyadda, waa in la joojiyaa faquuqa siyaasadeed"" ayay tiri shirkadda. ""Warbaahinta Trump Media & Technology Group waxay qaadan doontaa kaalin xooggan si ay ula dagaallanto shirkadaha waaweyn ee teknooloojiyadda"" Mr Trump ayaa ku dhawaaqay qorshayaal uu ku bilaabayo barta logu magac daray Truth Social horaantii sanadkan, isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal hufan oo waafaqsan fikraddiisa siyaasadeed. Kooxda Trump Media & Technology waxay iskaashi la sameeyeen shirkado kale oo howshan ka caawiyay. Sabtidii waxay sheegeen in hal bilyan oo doolar ay ka heleen kooxo kala duwan oo maalgashato ah iyagoo aanan magac dhabin waxa ay yihiin maalgashatadaas. Sida ay wararka sheegayaan, ganacsigan baraha bulshada ah ayaa hadda lagu qiimeeyaa ku dhawaad $4bn oo doolar. Waxay arrintani ka dhigan tahay in madaxweynihii hore ee Mareykanka uu haatan helayo taageera dhaqaale oo xooggan inkasta uu muran badan ka dhaliyay Mareykanka wakhtigii uu xilka hayay. Trump oo jeediyay hadal muran abuuray Guddiga kormeerka Facebook oo go'aan ka gaaraya xayiraaddii lagu soo rogay Trump Qaabka aad Twitter ugu sheegi karto wararka been abuurka ah Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa laga mamnuucay isticmaalka baraha bulshada ka dib weerarkii 6-dii Janaayo ay taageerayaashiisa ku qaadeen Aqalka Mareykanka ee Washington DC iyadoo laga walaacsan yahay in i uu huriyo rabshado kale. Waxay arrintani timid ka dib markii Trump uu sheegay, isaga oo aanan wax caddeyn ah, in doorashadii ka dhacday Mareykanka ay harreeysay wax isdaba marin baahsan. Trump waxaa bartiisa Twitter-ka u xirneyd 89 milyan oo qof halka Facebook-kiisa ay ku xirneyd 33 milyan oo qof, waxaa barta uu ku lahaa Instagram-ka taabacsaneyd 24.5 milyan oo qof, hawada ayaana laga saaray, sida laga soo xigtay shirkaddiisa." https://www.bbc.com/somali/war-59539775 +health Feyraska Monkeypox: Muxuu yahay feyraska cusub ee lagu arkay UK? Qof ku sugan dalka Ingiriiska ayaa laga helay fayras lagu magacaabo monkeypox, sida ay sheegtay waaxda arrimaha caafimaadka ee UK. Qofka laga helay feyraskan ayaa dhawaan u safray dalka Nigeria, halkaas oo la rumeysan yahay in uu kasoo qaaday fayraska ka hor inta uusan imaan UK, ayay tiri hay'adda caafimaadka. Waxaana haatan bukaanka lagu daweynayaa xarunta lagu qaabilo bukaanada uu ku dhaco cudurrada faafa ee ku taalla isbitaalka NHS ee London. Feyraska Monkeybox waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS. Waxay sheegtay in feyraskan uusan si fudud ugu dhax fidin bulshada isla markaana ay aad u hooseyso halista uga imaan karto bulshada. Waaxda caafimaadka ee UK waxay sheegtay in shaqaalaha caafimaadka ay si dhow ula shaqeynayaan xarunyta NHS si loola xiriiro dadka laga yaabo in uu la kulmay ninkan laga helay feyraska Monkeybox. Sanadkii 2018-kii ayay aheyd markii UK ay diiwaangelisay kiiskii ugu horreeyay ee feyraskan, wixii intaa ka dambeeyay waxaa la xaqiijiyay dhowr kiis oo isla caabuqan ah. Astaamaha ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qarqar iyo daal, sida ay sheegtay waaxda badqabka iyo arrimaha caafimaadka UK. Finin ayaa bukaanka ka soo bixi kara, intoodan badan waxay ka bilowdaan wajiga, ka dibna waxay ku faafaan qaybaha kale ee jirka. Finanka ayaa isbeddela ugu dambeyntii waxay yeeshaan qolof, kaas marka dambe soo hoobta. Qofka wuxuu ka qaadi karaa qof qabo cudurka, waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho, neefsiga , wuxuu gudbaa indhaha, sanka ama afka. Waxaa kale cudurka laga qaadi karaa qofka marka uu qofka taabto xayawaanka uu ku dhacay feyraska sida Daanyeerka, jiirka iyo dabagalayaasha. Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xooggaa daran yahay, khubaradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan. Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas. Waxaa jira labo nooc oo fayraskan ah oo laga soo sheegay - Galbeedka Afrika iyo Afrikada Dhexe. Walaac horleh oo kasoo kordhay feyraska corona 'Ma garan karo tirada bukaannada aan qaadsiiyay cudurka Corona' Senetka Mareykanka oo ansixiyay dhaqaale lagu caawinayo shacabka dalkaas Labo ka mid ah bukaannada cudurka qaba ee lagu arkay UK ayaa ka soo safray Nigeria, sidaa darteed waxay u badan tahay inay la ildaran yihiin nooca fayraska nooca Galbeedka Afrika, kaasoo ah mid fudud, inkasta oo weli la xaqiijin. Kiiskii saddexaad wuxuu ahaa shaqaale caafimaad oo la sheegay in fayraska uu ka qaaday mid ka mid ah bukaannada. Ma jirto wax dawo ah oo lagu talagalay feyraska Monkeybox laakin waa laga hortagi kari karaa in uu fido. Tallaalka ka hortagga busbuska ayaa la xaqiijiyay inuu 85% waxtar u leeyahay ka hortagga feyraska monkeypox , mararka qaarkoodna waa la adeegsan karaa tallaalkaas. https://www.bbc.com/somali/war-61363448 +sports Shirkad Sucuudi ah oo ka hadhay tartankii loogu jiray iibsashada kooxda Chelsea "Shirkadda Sucuudiga laga leeeyayay ee magaceeda loo soo gaabiyo SMG ayaan ku soo bixin liiska kama dambaysta ah ee shirkadaha u tartamaya in au iibsadaan naadiga kubadda cagta ee Chelsea. Shirkaddan oo uu metalayey taageeraha Chelsea ee la yidhaa Mohamed Al Khereiji, ayaa ka mid ahayd lix qolo oo sheegay inay gudbiyeen dalab ay ku doonayaan in ay ku iibsadaan kooxdaa ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska ee Premier League. Ilaha ku dhow SMG ayaa sheegay in rabitaankeeda ah inay baadhitaankii iska hubsashada qaabka ay u iibsan karto kooxdaas uu noqday cago jiid wakhtigii loo baahynaa in ay codsiga gudbiso dib uga riday. SMG waxa ay kooxda ku baayacday in ka badan laba bilyan oo Giniga Sterling-ka ah iyo in ka badan 200 milyan oo Gini oo qarashaadka hawleed ee kooxdu ah. Maxay qaar ka mid ah taageerayaasha Newcastle u xirtaan khamiisyada iyo cimaamadaha? Gabadhii musiibada ku dhacday ee markii dambe guul qaran soo hoyisay Waxaa se khamiistii lagu wargeliyay in aanay u gudbin wareega labaad ee kala xulashada shirkadaha laga iibin karo naadiga. Qaar ka mid ah shirkadaha kale ayaa horay u sameeyay dadaal ku saleysan rabitaankoodii hore ee iibsashada kooxda. Kooxda Premier League ka dhisan ayaa dowlada UK siisay shati gaar ah oo ay ku sii wadan karto shaqada ka dib markii mulkiilaha Roman Abramovich lagu soo rogay ganaax lagu eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Ma awoodaan inay lacag ka helaan iibka tigidhada iyo xayeysiisyada, waxayna haatan kooxdu haysataa mushaharka bishan oo dhan 28 milyan oo Gini. Arbacadii, dawladdu waxay ogolaatay shirkadda Abramovich ee leh Chelsea, Fordstam Ltd, inay bixiso 30 milyan oo Gini oo kooxdu u adeegsato kharashaadka maamulka maalin laha ah. Bilyaneerka Ruushka ayaa ku doonaya inuu naadiga ku iibiyo 3 bilyan oo Gini balse lacagta ka soo baxda waxa ay geli doontaa hay'ad samafal ama akoon la xayiray iyadoo ogolaansho laga helayo dowladda. La wareegistii uu sacuudiga riixayay ee kooxda Newcastle oo dhabawdey Nin loo heysto ""khiyaanadii ugu xumeyd"" ee soo martay taariikhda cayaaraha adduunka Waxaa la fahamsan yahay in qandaraasyada lagu qiimeynayo qiimeyntooda naadiga, ballanqaadkooda shaqo, dhaqaalaha ay ka helaan, xawaaraha iyo hubinta ay ku xiri karaan wax kala iibsiga iyo sooyaalkooda ciyaaraha. Kooxda warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegtay in lacagtooda ay si gaar ah u maalgeliso mid ka mid ah warbaahinta ugu waa weyn dalkaas, isla markaana aysan xiriir la lahayn dowladda Sacuudiga. Al Khereiji waa madaxa fulinta ee shirkadda waalidka ee warbaahinta Sacuudiga, Engineer Holding Group. Shanta qof ee kale ee la soo baxay dalabaadka waxaa ka mid ah isbahaysi ay ku lug leeyihiin qoyska Ricketts, oo leh Chicago Cubs, koox ay ku jiraan mulkiilaha Los Angeles Dodgers Todd Boehly iyo bilyaneer Swiss Hansjorg Wyss, iyo mid kale oo uu ku jiro guddoomiyihii hore ee Liverpool Sir Martin Broughton. iyo Lord Coe. Iskaashatooyinka kale waxaa ka mid ah maalgeliyaha hantida Ingiriiska Nick Candy, kaasoo kordhiyay dalabkiisii ugu horreeyay ee laba billyan oo Gini iyo shirkadda maalgashiga caalamiga ah ee Centricus. Wararku waxay soo sheegayaan inay sidoo" https://www.bbc.com/somali/60869984 +politics Harry iyo Meghan: 12 arrimood oo laga bartay wareysigii dunida qabsaday "Wareysigii aadka loo wada sugayay ee Oprah Winfrey ayaa laga sii daayay warbaahinta Mareykanka iyo Britain, iyadoo Amiir Harry iyo Meghan ay dadka la wadaagayeen sheekada ku saabsan nolosha qoyska boqortooda UK. Lamaanahan ayaa ka hadlay xiriirka ay la leeyihiin boqortooyada, cunsuriyada iyo caafimaad darada maskaxeed ee soo gaartay. Meghan waxay lahadashay Oprah inta badan wareysiga, waxaana dib uga soo biiray Amiir Harry. Mid ka mid ah eedeymihii ugu weynaa ee ka soo yeeray wareysiga waa in ay jiraan ""sheekooyiin dhowr ah"" oo ka dhex socda qoyska Boqortooyada oo ku saabsan midabka uu Meghan iyo Harry canuggooda yeelan karo. ""Markii aan uurka lahaa waxaa jiray walaac iyo sheekooyin ku saabsan midabka u noqon karo maqaarkiisa marka uu dhasho,"" ayay tiri Meghan. Waxay sheegtay in sheekada ay ka maqashay Harry. Labaduba waxay diideen inay sheegaan qofkii yiri hadalkaas. ""Waligay ma sheegayo hadalkaas,"" ayuu yiri Harry. ""Xilligaas wuxuu ahaa mid aan fiicnayn, xoogaa waan naxay."" ""Maalmo ka hor arooska, Kate waxay ka xumaatay dharka, arrintaas oo iga oohisay,"" Meghan ayaa sidaas tiri. Waxay sheegtay in markii dambe Kate raaligelin ka bixisay oo ay keentay ubaxyo iyo qoraal ay ku saxayso. Balse Meghan ayaa u sheegtay Oprah inay sida kale ay dhab tahay. ""Arrintaa uma sheegin in aan ku liido Kate,"" Meghan ayaa sidaas tiri. Waxay sheegtay in Kate ay ahayd ""qof wanaagsan"" ayna rajaynayso inay jeclaan lahayd in sheekooyinka beenta ah la saxo. Meghan waxay kahadashay sida kalinimo ay u dareentay ka dib markay kubiirtay Qoyska Boqortooyada oo ayna lumisay xoriyadeeda. ""Markii aan ku biirayay qoyskaas, waxay ahayd markii iigu dambeysay aan arkay baasaboorkeyga, liisanka darawalnimada, furayaashayda,"" ayay tiri. Waxay sheegtay in caafimaadka maskaxdeeda uu aad u xumaaday oo ay ku fakartay in aysan ""dooneynin in ay sii noolaato mar dambe"". ""Waxaan aaday machadka waxaanna u sheegay in aan ubaahanahay inaan aado meel si aan caawimaad aan uga helo, waxaan ku iri waligey sidaan horay uma dareemin oo waxaan ubaahanahay in aan caawimaad helo."" Waxay sheegtay in ay u tagtay ""mid ka mid ah dadka ugu waawayn"" xarunta dhexdeeda, ka dibna u tagtay waaxda shaqaalaha ee qasriga. Waxbana lagama qaban"", ayay raacisay. Magaca Princess Diana wuxuu soo baxay marar badan wareysiga oo dhan - oo ay iska shabahaan waxyaabihii ay la soo kulmeen intii ay ka tirsanaayeen qoyska Boqortooyada. ""Xitaa ma aanan ogeyn cidda aan u kaalmo waydiisanayo,"" ayay tiri Meghan, xilligii ay dhibaatada haysatay. ""Mid ka mid ah dadka aan la xiriiray ee ahaa saaxiib fiican oo kalsooni aan ka helay wuxuu ahaa mid ka mid ah saaxiibada ugu fiican ee ninkeyga hooyadiis."" Oprah waxay weydiisay Harry xiriirka uu la leeyahay qoyskiisa iyo gaar ahaan aabihiis, Amiirka Wales, iyo walaalkiis, Amiir William. ""Waxaan dareemayaa runtii in hoos la iiriday oo la i niyad jebiyay, sababtoo ah wuxuu soo maray arrin la mid ah tan, wuu ogyahay xanuunka uu dareemayo iyo Archie oo uu awow u yahay. ""Laakiin waqtiga isku mid ma ahan, dabcan marwalba waan jeclaan doonaa laakiin waxaa jiro dhaawacyo badan oo dhacay, waana sii wadi doonnaa in aan ka dhigo mid ka mid ah ahmiyadeyda oo aan isku dayo soo celinta xiriirkaas."" Harry wuxuu sheegay inuu ""xiriir wanaagsan"" la leeyahay ayeeyadiis isla markaana uu inbadan la hadlay sannadkii la soo dhaafay - oo ay ku jiraan wicitaanada fiidiyoowga ah ee Archie ay ku aragtay. ""Iyada waa taliyaheyga guud, sax? Weligeedna way ahaan doontaa."" Meghan ayaa sidoo kale waxay amaantay Boqoradda, waxayna sheegtay in ay siisay xoogaa dahab ah oo qurux badan markii ugu horeysay ee ay si wada jir ah wax u wada qabsadeen lamaanaha. Afartii bilood ee ugu horreeyay ee 2020, Harry wuxuu sheegay in ""dhaqaalaha laga jaray"". Wuxuu sheegay in heshiisyada Netflix iyo Spotify ee isaga iyo Meghan ay galeen, si ay u sameeyaan bandhigyo aysan waligood ka mid noqon, ""waxay ahayd inaan awood u yeelano qarashka amnigeenna,"" ayuu yiri. ""Balse waxaan helnay wixii ay hooyaday igaga tagtay, la'aanteedna ma awoodi lahayn in aan sidan yeelno."" Meghan waxay tiri fiidkii markay Harry u sheegtay inay dareemayso inay isdisho, wuxuu habeenkaas qorshahooda ahaa in ay ka qeybgalaan munaasabad rasmi ah oo ka dheceysay Royal Albert Hall. Meghan waxay kahadashay sawir maskaxdeeda ka bixi waayay oo wax hore ay ku soo xusuusaneysay. Isagoo ka hadlayay markii ugu horreysay ee ay la kulanto Boqoradda, Meghan waxay sheegtay in ay la yaabtay markay ogaatay in ay marka boqoradda salaamayso ay hoos fiiriso. Waxay sheegtay in ay u maleyneysay in ay tahay ""qeyb ka mid ah shuruucda"" oo aysan ka dhicin qoyska dhexdiisa. Meghan ayaa intaas ku dartay in aysan wax baaris ah ku sameyn qoyska ka hor inta aysan ku biirin, waxayna ku adkeysatay in aysan ninkeeda arrimihiisa ka baareynin internet-ka si ay qoyska wax uga barato. Malaayiin qof ayaa daawaday arooska Harry iyo Meghan oo lagu qabtay Windsor Castle, sannadkii 2018-kii. Xafladaasi waxay ahayd markii ay si sharci ah isku guursadeen laakiin lamaanayaasha waxay sheegeen in sidoo kale nikaaxooda uu dhacay ka hor inta aysan hor imaan Archbishop-ka Canterbury, saddex maalmood ka hor. Harry wuxuu ka hadlay in wiilkiisa Archie uu farxadda ka helo inuu ku kexeeyo baaskiil. Wareysiga waxaa kujiray qeyb yar oo ka mid ah socod baradka iyo isaga oo xeebta kula ciyaaraya waalidkiis. Lamaanahan ayaa ku kaftamay in erayga uu jeclaa isbuucyadii la soo dhaafay uu ahaa ""biyo badan cab"". Harry wuxuu yiri 'markasta oo qof walba uu ka baxo guriga, Archie wuxu u sheegaa ""nabad ah u wad"". Lamaanaha waxay xaqiijiyay inay filanayaan in gabar ay u dhalato sannadkan gudihiisa. Harry wuxuu yiri ""waa wax lala yaabo"", isagoo intaa ku daray: ""Maxaad kaloo weydiisan kartaa?"" - laakiin wuxuu yiri wa ilmihii ugu dambeeyay." https://www.bbc.com/somali/war-56346377 +politics "Cali Xarbi: ""Xildhibaanka aan dilay ee Sir David Amess waxa uu dhibaato ku ahaa Muslimiinta""" "Nin asal ahaan Soomaali ah oo loo haysto dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK, Sir David Amess, ayaa ka hadlay waxa ku dhaliyay falkaas. Cali Xarbi Cali oo 26 jir ah ayaa sheegay inuu u dilay xildhibaanka sababo la xiriira inuu u codeeyay duqeynta Suuriya. Sir David Amess oo laga soo doortay deegaanka Southend West ayaa toori lagu dilay 15-kii October 2021. ""Haddii ay ii muuqatay in falkaas uu khalad yahay, ma ba samayn lahayn,"" ayuu yiri Cali oo beeniyay in falkaas uu ahaa argagixisannimo. ""Isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan ka hijroon waayay dhulkan, waxaan go'aansaday in aan si kale ugu gargaaro Muslimiinta,"" ayuu ka hor sheegay xeer beegti kiiskiisa dhagaysanayso. Mar la weydiiyay waxa dilka xildhibaanka ay xaaladda ka bedali karto, ayaa Cali waxa uu ku jawaabay ""hadda ma uu coddeyn karoo o codkiisa kuma dhibi karo Muslimiinta, waana farriinta aan u dirayo saaxiibbadii."" Eedeysanaha ayaa tilmaamay in arrinta kale ee uu u beegsaday xildhibaanka ay tahay xubinnimadiisa saaxiibbada Israa'iil ee xisbiga Conservative-ga. Mar la weydiiyay inuu yahay Muslim xagjir ah, ayaa waxa uu ku jawaabay ""waxaan ahay Muslim qunyar socod ah"". Cali Xarbi ayaa maxkamadda u sheegay inuu rajeynayay in la dilo oo uu ""noqdo shahiid"" balse markii uu arkay in labada askari ee soo galay goobta uu xildhibaanka ku dilay aanay hubaysnayn, uu markaas go'aansaday inuu iska dhigo tooridda. Dilal hadal hayn dhaliyay oo dad 'Soomaali ah ay ka geysteen' dalalka reer Galbeedka Magaca ninka Soomaaliga ah ee loo hayo dilka xildhibaankii Ingiriiska ahaa oo la shaaciyay Maxkamadda ayaa horraan u dhegaysatay in eedaysane Cali uu qorsheynayay inuu beegsado wasiirka dowladaha hoose ee UK, Michael Gove. ""Waxaan rumaysanahay inuu [Michael Gove] dhibaato badan u geystay Muslimiinta,"" ayuu Cali u sheegay xeer beegtida. Waxa uu aad u doonayay inuu ku biiro ururka isku magacaabay dowladda Islaamka, oo uu rabay inuu Suuriya u safro mudadii u dhexaysay 2015 iyo 2017, balse ay taa ku adkaatay. Waxa uu garnaqsigiisa ku soo afjaray inuu filayo in dilka xildhibaan Sir David ay cashar u noqon doonto xildhibaannada kale, isla markaana ""ay joojin doonaan colaadda ka dhanka ah Muslimiinta"". Sir David, oo 69 jir ahaa, oo baarlamaankana ku matalayay deegaan baarlamaaneedka Southend West, ayaa kulan la lahaa dadka soo doortay, isagoo kala hadlayay waxyaabaha ay u baahan yihiin. Waa xildhibaankii labaad ee isagoo baarlamaanka ka tirsan la dilo shantii sano ee lasoo dhaafay gudahood. Sanadkii 2016-kii ayaa la dilay Jo Cpx oo ahayd xildhibaanad ka tirsan xisbiga shaqaalaha. Ra'iisul Wasaare Boris Johnson ayaa xildhibaanka la dilay ku tilmaamay in uu ka mid ahaa dadka ""ugu naxariista badan, ugu wanaagsan, uguna macquulsan dhinaca siyaasadda""." https://www.bbc.com/somali/war-61042517 +politics Loolanka Jubbaland ma wuxuu bannaanka soo dhigay danaha Kenya iyo Itoobiya ee Soomaaliya? "Bayaan goordhaweyd ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in la xiray dhamaan goobaha laga soo galo magaalada Kismayo ee cir, dhul iyo badba. Go'aankan ayaa imaneysa iyadoo Khamiista lagu wado inay doorashada madaxtinnimada maamulkaasi ay ka dhacdo magaalada Kismayo. Balse weli waxaa taagan khilaaf balaaran oo keenay in kooxaha mucaaradku ay iyana ku dhawaaqaan in isla maalintaas ay dooranayaan madaxweyne. Tallaabadan waxay imaaneysaa ka dib markii diyaarad ay leedahay Itoobiya loo diiday in ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, sida ay sheegeen dad ku sugan garoonka. Xiisad sare oo arrimaha doorashada la xiriira ayaa ka jirto magaalada Kismaayo. Waxaa loo maleynayaa in Qaramada midoobey iyo dowladda oo taageero ka heleysa Itoobiya ay doonayaan in doorashada dib loo dhigo. Halka maamulka Jubbaland oo kaashanaya Kenya ay doonayaan in doorashada ay u dhacdo sidii loo qorsheeyay. Labada dal, Kenya iyo itoobiya waxay qeyb ka yihiin ciidamada AMISOM eek a badan 20,00, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Weriye ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in inkabadan 90 ciidamo komandos ah oo Itoobiyaan ah in ay siday diyaaradda loo diiday in ay ku degto garoonka. Ciidamada ugu badan ee kenya ayaa ka howlgala magaalada Kismayo. Wufuud sare oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada AMISOM, Tigabu Yilma - oo Itoobiyan ah - waxaana la filaya in ay xal ka garaan ismari waaga ka taagan Kismaayo. Khilaafka doorashada Jubbaland ayaa u muuqda in uu weji cusub yeeshay. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Ismari waagan wuxuu sababay ""khilaaf"" soo kala dhexgala dalalka deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya, sida ay ka soo xigatay dadka falanqeeya arrimaha maniga. Ma jiro wax war ah oo arrintan la xiriira oo ka soo baxay Kenya iyo Itoobiya, balse dadka siyaasadda Falanqeeya ayaa u arko in uu yahay ""khilaaf muuqda"". Labada dal ayaa loo arkaa in ay dano kala duwan ka leeyihiin Soomaaliya. Dowladuhu dano iyo cadifad ayay ku shaqeeyaan. Naxariis kuma shaqeeyaan"", ayuu yiri Cabdirashiid Xaashi, madaxa machadka cilmi barista siyaasadeed ee Soomaaliya ee Heritage. ""Markastoo annaga gudaheena aan wareer iyo caqli xumo aan ka sameyno; markasta oo ay badato in gacmo kale ay soo galaan iyagoo u muuqda in ay qof la jiraan, waxay (gacmahaas kale ) riixanayaan danahooda,"" ayuu yiri Cabdirashiid. Jubbaland waa maamulka ugu dambeeya ee doorasho ay ka dheceyso tani iyo muddadii uu xilka hayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay bishii February ee 2017kii. Cabdirashiid Xaashi oo arrintan u arka fursad ay bixiyeen siyaasiyiinta ayaa yiri: ""Waa nasiib darro in hadda ay Itoobiya iyo Kenya ku murmayaan doorashada jubbaland, Qaramada Midoobeyna ay go'aanno soo saarayso. Siyaasiyiinta Soomalida ayaa fursadaas siinaya"". Cabdiraxmaan Cadami oo ka faallooda arimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in khilaafka uu gaaray meel aan waxba laga qaban karin. Wuxuu yiri: ""Khilaafkii doorashada Kismaayo wuxuu u egyahay in uu faraha ka baxayo. Laba waddan oo jaar ah oo ciidamada ka joogaan Soomaliya in ay ku hardamayaan waa wax muuqdo oo la wada arkayo"". ""Waxay ila tahay halkii ay isla gaareen dowladda federalka iyo mamulka Jubbaland ama musharrixiinta Jubbaland gudeheeda ku tartamaya in waanwaan ay caqli ku dareen ilama ahan in la heli karo"", ayuu yiri Cabdiraxmaan Cadami. Beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya daneeya ayaa isku deyay in arrintan xal loo helo, balse waxay u muuqataan ""in taasi aysan suuragalin"". Cadami waxaa u muqata in xalka uu ka imaan karo dhanka dowladaha kenya iyo Itoobiya wuxuunta yiri: ""Waxaa dhici karta in ay xal garaan dowladahan manta ku haya meesha e ekenya iyo Itoobiya ayna isla gaaraan in ay tageeraan doorashada hadda socota iyo ciddii ku guuleysata ama in ay isku waafaqaan musharrax dhexdhexaad ah oo ay caleemo saaraan"". Balse cabdirashiid Xaashi ayaa sheegay in Soomaalida ay noqotay sida ""kubad la isu dhiibayo"". ""Sidii ay u soo socotay anaga hadda waxaan mareynaa in aan noqonay banoonigii la tuurtuurayay, ciyaartana dadkale u sallaxantahay"". Amniga iyo diyaarinta doorashada soo socota waa arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla dowladda madaxweyne Farmaajo. Haddii xaaladda au sidan ku socoto ""Marka la garo January 2020, tabartooda way sii yaraaneysaa"", ayuu yiri Cabdirashiid oo ka hadlayay dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sannad iyo bar gudahood wajahaya doorasho, taas oo Cabdirashiid xaashi uu u arko in ay ku tahay caqabad ayna ""daciifineyso tabartii dowladda"". Balse Cadami wuxuu sheegay in Kismaayo ay gacanta u gali karto Al-Shabaab ""oo aan ka fogeyn halkaas in ay ka faa'ideystaan ayna ka dhex qaadaan xoogagga meesha isku haya"". Cabdirashiid Xaashi, Agaasimaha machadka Heritage dhankiisa wuxuu aaminsan yahay: ""Haddii Jubbaland ay ka adkaadaanna waa uun meel ka fog oo khilaaf soo jiitamayay uu ka jiro oo ay furfureen ayey noqoneysaa. Haddii laga adkaadana waxay noqoneysaa in Puntland iyo Jubbaland ay u xanaaqsan yihiin"". Axmed maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo markale u tartamayo inuu xilka qabto ""wuxuu saaxiib dhow oo arrimaha amniga la yahay Kenya"", sida Reuters ay qortay. Wakaaladda ayaa sidoo kale qortay in ""Itoobiya ay saaxiibtinimo dhow oo sii xoogeysaneysa la yeelatay dowladda Federaalka ee Soomaaliya""." https://www.bbc.com/somali/war-49399374 +health Hindiya iyo cudurka corona: Sidee ’dawada cudurka Corona’ loogu kala iibsanayaa suuqa-madow? "Baaritaan ay BBC-da sameysay ayaa lagu ogaaday in labo ka mid ah daawooyiinka la siin karo bukaannada Covid-19 ee dalka Hindiya ee gabaabsiga ah, lagu kala iibsanayo suuq-madow, sida uu ku soo waramaayo weriyaha BBC-da ee magaalada Delhi Vikas Pandey. Abhinav Sharma adeerkiisa ayaa si lama filaan ah isugu arkay qandho iyo neefta oo ku adkaata ka dibna waxaa la geeyay isbitaal ku yalla Delhi. Waxa laga helay feyraska Corona, dhaqaatirtana waxay qoyskiisa u sheegeen in loo soo iibiyo dawada remdesvir oo ah mid laga ogolaaday Hindiya in lagu daaweeyo bukaanada xaaladooda ay culus tahay, taas oo micnaheedu tahay in dhaqaatirta ay u qori karaan oo kali ah dadka xaladda degdega ku jira. Balse dawada remdesvir meelna lagama heli karo, taas oo Mr Sharma ku kaliftay inuu qof walbo waco si loo helo dawada uu abtigiisa uu baahanyahay. ""Waan ooyi gaaray. Abtigey noolashiisa ayaa qatar ku jirtay anigana waxaan raadinayay dawada ay suuragalka tahay inay noolashiisa badbaadiso,"" ayuu yiri. Arrintan qabsatay Sharma waxay haysataa dad badan oo dalkaas ku nool. Kuwaas oo diyaar u ahay inay wax walbo sameyaan si ay u badbaadiyaan dadka ay jecel yihiin. ""Ka dib wicitaanno badan, waxaan bixiyay toddobo jibaar lacagtii aan ku iibsan lahaa dawada, waxaan diyaar u ahaa in aan lacag walbo bixiyo runtii, balse waxaan u naxsanahay dadka aan awoodin,"" ayuu yiri. BBC-da ayey u suura gashay in ay la xiriirto dadka ka shaqeeya iibinta dawadaas, waxayna sheegeen in ay u diyaarin karaan oo ay ku siin donaan qiimaha saxda ah. ""Waxaan kuu diyaarin karaa dawada, halkii dhalo ee yarna waxaan kaa siinaya 30,000 oo rupee oo u dhiganta $401 dollar, waana qasab in aad hadda u timaado,"" ayuu yiri mid ka mid ah ragga iibiya oo ku doodaya inuu ku jiro ganacsiga dawooyiinka. Qiimaha rasmiga ah ee dawadaas ee dowladda Hindiya ay ogtahay waa 5,400 oo rupees. Bukaankana wuxuu u baahanyahay 6 illa 5 xabo. Laakiin qof kale ayaa laga soo xigtay in 38,000 oo Rupees ay tahay halkii xabo. Baahida loo qabo dawadan ayaa sare u kacday ka dib markii la ogaaday inay gacan ka geysato badbaadinta bukaannada qaba fayraska Covid-19. Khuburada ayaa ka digay isticmaalka dawadan, balse dhaqaatiirta Hindiya ayaa si aad ah u siinaya bukaanada xalada degdegga ah ku jira, taas oo sare u qaaday baahida loo qabo dawadan guud ahaan ee Hindiya. BBC-da waxay ogaatay in ay jiraan qoysas badan oo ku nool delhi iyo magaalooyinka ku dhowdhow kuwaas oo lacag xad dhaaf ah ku iibsaday dawadan. Sababta ugu weyn ee arrintan ayaa ah in farqi weyn uu u dhaxeeyo baahida loo qabo iyo tirada shirkadaha ay soo saarayaan. Shirkadda Gilead Sciences ee fadhigeedu yahay Mareykanka oo markii ugu horeysay soo saartay dawadan si loo siiyo bukaannada cudurka Ebola, ayaa afar shirkadood oo Hindiya ku yalla u wakiilatay in ay soo saaraan dawadan. Afartaasi shirkadood ayaa kala ahaa- Ciplac, Jubilant Life, Hetero drugs iyo Mylon, balse illaa iyo hadda, keliya shirkada Hetero ayaa bilowday soo saarista dawadan. Waxay illa 5 gobol u qaybisay qiyaastii 20 kun oo xabo, waxayna BBC-da u sheegtay in aysan hubin halka ay ka soo baxayaan dawooyinka lagu iibinayo suuqa-madow. ""Dawadan ma aynaan siinin dad sii qeybiya. Sida uu sharciga yahay, waxaan geynay isbitaalada,"" waxaa sidaas sheegay ku xigeenka madaxa shirkada Hetero oo BBC-da u sheegay. Wuxuu intaasi ku daray in ay ku dadaalayaan in ay buuxiyaan baahida loo qabo dawada, balse ay niyad jab ku tahay in suuqa madow lagu kala iibsanayo. ""Waan dareemeynaa xannuunka haysta qoysaska, ma ahayn in qaraabada ay dadka ka xanuunsan yihiin loo diro in ay raadsadaan dawada, waxaan ku kalsoonnahay in maalmaha soo socda aan kordhin doono soo saarka dawadaas, si xaaladda sidan uga ficnaato,"" ayuu yiri. Rajiv Singhal oo ah ninka Hindiya u qaabilsan dawooyinka, xoghayana u ah urur ay ku bahoobeen dukaamada iibiya dawooyinka, ayaa sheegay in aysan jirin dukaan ka tirsan ururkaas oo arrintaas ku lug leh. ""Waxaan hubaa in aysan jirin cid ururkeena ka tirsan oo arrintaas ku lug leh, waxaanna rabaa in aan halkan ka xiqiijiyo in qofkii lagu hela isagoo si sharci darro ah ku iibinayo dawadaas, tallaabo adag laga qaadi doono,"" Ayuu yiri Rajiv. Arrinta ma ahan oo keli ah dawad Remdesivir, sidoo kale waxaa jirto dawo kale oo nolol badan badbaadisay oo qiimo sare lagu kala siisanayo suuqa-madow. Dawada tocilizumab ayaa lagu daweyay bukaanno la xanuunsana feyraska dunida oo dhan ku faafay. Khuburada waxay sheegeen in loo baahan yahay baaritaanno badan si loo ogaado wax qabadkeeda, balse isbitaallo badan ayaa soo sheegay in ay waxtar leedahay. Dawadan waxaa soo saarta shirkadda Roche oo fadhigeedu yahay dalka Switzerland balse waxay u wakiilatay shirkadda Cipla oo fadhigeedu yahay Hindiya, in ay soo saarto. Sidoo kale, dawadaas si fudud ugama heleysid magaalada Delhi. Nin ka tirsan Cipla oo ku sugan waqooyiga Hindiya ayaa sheegay in todobaadyadii u dambeyay ay sare u kacday baahida loo qabo dawadaas. ""Waxaan kordhinay soo saarka dawada balse waxaan fileynaa in baahida ay sare u sii kici doonto maalmaha soo socda,"" ayuu yiri. BBC-da waxay ogaatay dhacdooyiin badan oo isbitaalada ay ehellada weydiisanayaan in ay soo iibsadaan dawada. ""Waxaan maray 50 dukaan oo delhi ku yalla, si aan eedadey ugu soo iibiyo dawada balse waxay i weydiinayeen lacag labo ama seddax jibbar ah,"" ayey tiri mid ka mid ah dadka degan Delhi oo dalbatay in magaceeda la qariyo. Balse shirkadda Cipla ayaa diiday in dawada ticilizumab lagu iibiyo suuqa-madow." https://www.bbc.com/somali/war-53324761 +religion Xajka 2021: In Muslimiinta caalamka ay xajka ka baaqdaan ma ka mid tahay caalamadaha qiyaamaha? "Dowladda Sucuudiga ayaa markii labaad soo saartay go'aan ah in Muslimiinta ku nool daafaha caalamka aysan sannadkan xajin karin, taas oo ah tallaabo looga hortagayo faafitaanka cudurka Covid-19. Muslimiin badan oo ku nool caalamka ayaa sannadkan isku diyaarinayay soo gudashada acmaasha xajka, ka hor inta uusan saameyn go'aanka ka soo baxay dowladda Sucuudiga. Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka codsatay dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida in ay dulqaad muujiyaan islamarkana ay dib u dhigtaan qorshahooda Xajka iyo Cumrada ee sannadkan. Balse in Muslimiinta ku nool dunida ay labo sano isku xigto xajin waayaan waxaa ka dhashay muran badan. Dadka qaar waxay soo daliishanayaan axaadiis sheegaya in nebiga (NNKH) uu dadka faray in ay xajiyaan ka hor inta aanan laga hor istaagin xajka. Dooodda ugu badan ee arrintan la xiriirto waxay ka taagan tahay dalka Nigeria oo Muslimiin aad u badan ay ku nool yihiin. Qaar ka mid ah culimada dalkaas ayaa go'anaka uu Sacuudiga ku mamunuucay xajka ee Karoonaha dartii, ku tilmaamay astaan muujineyso in maalinta qiyaamaha ay soo dhawdahay. Sheekh Halliru Maraya oo ka mid ah culimada caanka ee Nigeria, ayaa BBC Hausa u sheegay in wax shaki ah uusan ku jirin in go'aanka Muslimiinta looga hor istaagay xajka, uu muujinayo in la joogo aakhiru-zaman. Wuxuu intaas ku daray Sheekha in xadiiska sheegaya in nebiga (NNKH) uu dadka faray inay xajiyaan ka hor inta aanan laga mamnuucin, uu yahay mid qaar ka mid ah culimada ay ku tilmaameen in uu daciif yahay, balse hadda lagu dabaqi karo xaaladda jirta. ""Xadiiska waa mid daciif ah, balse waxaa loo adeegsan karaa xaaladaha waaweyn ee markaa dunida ka taagan iyo waxyaabaha dadka ka nixiya, gaar ahaan in acmaashaas ay gutaan,"" ayuu yiri Sheekh Halliru. Wuxuu intaas ku daray: ""Caalamadaha qiyaamaha way iska cad yihiin. Ma dhici karto in Yurub oo ah halka uu sida ba'an u saameeyay cudurka ay bilaabaan in dalalkooda ay dib u furaan. Garoomada ciyaaraha ayaa isku furan, ciyaarihii ayaa socdaa. Kawarran haddii Sacuudi Carabiya, oo cudurka uusan si weyn u saameynin, uu Muslimiinta ka mamnuucayo Xajka"". ""Hadda waxaan ka hadlayaa ciyaaraha koobka Yurub, kumananaan qof ayaa isugu tagey garoomada ciyaaraha, marka maxaa dadkaas loogu diidi waayay in ay kulmaan"". ""Marka, go'aanka Sacuudiga ee xajka lagu mamnuucay waa astaan muujineyso in la joogo aakhiru-zaman,"" ayuu yiri Sheekh Sheekh Halliru Maraya. Sheekh Mansuur Sokoto oo ka mid ah culimada dalka Nigeria, wuxuu qabaa in Sacuudiga looga baahnaa in uu xadido tirada Muslimiinta ee caalamka ka imaanaysa halkii uu gebi ahaanba xayiraad ku soo rogi lahaa. Wuxuu intaa ku daray in hadda ka hor ay dhacday in Muslimiinta ay xajin waayeen ka dib dhibaato koox burcad ah ay ka wadday magaalada Makah. ""Sidoo kale waxaa jirtay xilli ay fatahaado saameeyeen Makah iyo xilli Muslimiinta uu xajka ka hor istaagay dagaal dhexmaray ibnu Zubeyd iyo Yaziid Ibnu Mucaawiya"". Sheekh Mansuur Sokoto wuxuu dhankiisa rumeysan yahay in go'aanka Muslimiinta dunida looga mamnuucay xajka uusan muujineyn in ay ka mid tahay astaamaha qiyaamaha, balse uu yahay mid looga hortaggayo safmarka sida ba'an u saameeyay dunida." https://www.bbc.com/somali/war-57574639 +health Haddii aan cunno raashiinka Japan maka heleynaa cimri-dheeri? Dadka Japan waxay ka mid yihiin kuwa ugu cimriga dheer adduunka, iyadoo dadka dalkaasi ay qaarkood gaaraan 100 sano iyo ka badan. Afartan iyo siddeed qof oo katirsan 100,000 ee qofba ee dalkaasi ku nool ayaa nolol ku gaara qarni. Ma jiro dal kale oo caalamka ka tirsan oo u soo dhow Japan. Waa maxay waxa ay heystaan ee aan innagu aynaan heysanin? Ma waxa ay cunaan baa? Ancel Keys oo u dhashay Mareykanka, kuna takhasusay nafaqada ayaa sannadihii 1970-meeyadii wuxuu ka hadlay cunto-badeedka ay cunaan dadka dadka Talyaaniga, oo xilligaas ay aad ugu yareyd cunidda hilibka xoolaha. Sanadihii 1990-meeyadii, baare kale oo nafaqada ku takhasusay oo lagu magacaabo Walter Willett, ayaa qoraal uu qoray ku xusay sababta bulshada Japan u cumri dheer yihiin, iyo tirada dadka u dhinta xanuunnada wadnaha oo aad u yar. Tan iyo xilligaas, baaritaanno dhowr ah ayaa lagu tijaabiyay in arrintan lala xiriirin karo cuntada iyo in kale. Haddii ay taasi jirtana, waa kuwee noocyada cuntada ee ay tahay in aan annagana liiska ku darsanno? Cuntada Japan waa mid ballaaran, sida uu sheegay Shu Zhang oo ah baare, mana ahan hal nooc keliya. Weli, qiimeyn dhowaan lagu sameeyay 39 daraasadood oo lagu baarayay xiriirka ka dhexeeya cuntada Japan iyo caafimaadka, ayaa lagu ogaaday inay jiraan kuwo yar oo ay ka mid yihiin: cunto-badeedka, khudaarta, digirta nooca soy iyo waxyaabaha laga sameeyo, sida soy sauce, bariiska, iyo maraqa. Dabcan, guud ahaan, cunitaanka noocyadan cuntada ka mid ah ayaa lala xiriiriyay in ay dadka ka badbaadiyaan xanuunnada wadnaha, sida uu sheegay Zhang, inkastoo aysan ku jirin xanuunnada gaarka ah sida kansarka. Arrinta xiisaha leh waxay tahay, inay sidoo kale u muuqato in lala xiriiriyay yaraanta dhimashada ka dhalata dhalmada. Tsuyoshi Tsuduki, oo cilmiga cuntada ka dhiga Jaamacadda Tohoku, ayaa baaritaan ku sameeyay nooca cuntada Japan ee lala xiriirin karo cimri dheerirka. Markii hore, isaga iyo saaxiibbadiis ayaa tiro-koobka qaranka u adeegsaday inay la yimaadaan cuntada loo nisbeyn karo Japan sanadihii 1990-meeyadii iyo qeyb ka mid ah cuntada Mareykanka isla muddadaas dhexdeeda. Cuntooyinkan ayaa firinjeerka lagu qallajiyay, muddo saddex toddobaad ah ayaana lagu quudinayay jiir, kuwaas oo ay baarayaashu si aad ah ula socdeen caafimaadkooda. Jiirkii lagu quudiyay cuntada Japan waxaa la ogaaday in dufan yar ay ku jirto calooshooda iyo dhiiggooda, inkastoo labada cuntaba ay ku jireen xaddi isku mid ah oo dufan, borotiin, iyo karboon isugu jira. Arrintaas waxaa lagu sheegay inay micno sameyneyso waxyaabaha ay ku kala duwna yihiin labada cunto ee ay ka kala sameysan yihiin sida hilibka iyo kalluunka; bariiska iyo qamadiga. Marka si qoto dheer loo eego, baarayaasha ayaa u kuur galay cuntada Japan ee 50-kii sano ee ugu dambeeyay, iyo sida cuntadooda ay isku beddeshay muddo ka dib (gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, oo cuntadooda ay saameyn ku yeesheen tan Reer-Galbeedka). Waxay xusheen cuntada aasaasiga u ah dalkaas ee sanadihii 1960, 1975, 1990, iyo 2005, waxayna ku quudiyeen jiir, iyagoo caafimaadkoodana aad ula socday. Markan tijaabadu waxay socotay siddeed bilood. Waxaa soo baxday inay kala duwan yihiin cuntada Japan. Jiirkii lagu quudiyay cuntadii sannadkii 1975, khatar badan uma gelin xanuunka macaanka iyo beer-subagga. Marka loo eego kuwa kale, marka ay saynisyahannadu baareen beerkoodana, waxay ka heleen unugyo ka hortagaya inay sameysmaan dufanka. Cuntadaas waxay gaar ahaan hodan ku ahayd dhir ka baxda dhagxaanta xeebaha, furutada iyo waxyaabo la khamiiriyay. Tijaabo kale oo ay ku sameeyeen cuntada sannadkii 1975, waxaa lala xiriiriyay cimriga dheer ee jiirka, xusuus fiican iyo dhibaatooyin yar oo ku yimid jirkooda marka ay gaboobeen. (Xaqiiqdii, Shu Zhang, iyo asxaabtiisa ayaa dhowaan daabacay natiijada baaritaanka ku saabsan in cuntada Japan lala xiriirinayo caafimaadka iyo firfircoonida dadka marka ay sii gaboobayaan.) Cuntada ayaa sidoo kale caafimaad wanaagsan u horseedday bani'aadamka, sida ay ogaadeen kooxda Tsuduki. Tijaabo muddo 28 maalmood socotay oo lagu sameeyay dadka uu miisaankoodu badan tahay oo cunaya cuntada Japan amaba cuntadii 1975, ayaa lagu ogaaday in kooxda qaadatay cuntadii sannadkii 1975 ay iska rideen miisaan badan. Hadaaba, iyadoo taa la eegayo, sirtu waa maxay? Haddii noocan cuntada Japan ay leedahay saameyn wanaagsan, waxay ku xiran tahay sida loo diyaariyo iyo sidoo kale nafaqada gaar ahaan ku jirta, sida uu qabo Tsuduki. Cuntada waxay ka kooban tahay dhowr nooc oo kala duwan, iyo dhadhan kala duwan. Waxyaabaha ay ka kooban yihiin inta badan waa la huuriyaa intii la dubi lahaa. Sidoo kale, waxaa lagu dheehaa waxyaabo badan oo dhadhan fiican leh, intii lagu dari lahaa cusbo iyo sokor badan. Isku soo duub, waxaa laga yaabaa in cuntada Japan aysan sal u ahayn dhirta ka baxda xeebaha amaba soy sauce, balse ay tahay in diiradda la saaro noocyo kala duwan oo cunto ah oo qaab caafimaad leh loo kariyay, iyo iyadoo la badsado khudaarta iyo digirta. Balse xilligan casriga ah waxaa dadka Japan ku adag in ay raacaan taladan. Tirada dadka qaba xanuunka macaanka ayaa kordhaysay sanadihii la soo dhaafay. Waa suurtogal inay wax iska beddelaan xaqiiqda ah in Japan ay ku nool yihiin dadka ugu cimriga dheer dunida. https://www.bbc.com/somali/war-57829561 +religion Madhulika Singh: Waa tuma haweeneydan badbaadisay dad badan oo Muslimiin ah? "Madhulika Singh waa haweeney Hindu ah oo ku nool magaalada Karauli ee dalka Hindiya, waxay ka qeyb qaadatay badbaadinta dad badan oo Muslimiin ah xilli ay rabshado ka dhaceen halkaas horraantii bishan. Fidnimadii 2-dii bisha April xilli ay socotay munaasbad ay lahaayeen shacabka Hinduuga, waxaa magaalada ku faafay rabshado, waxaana dab la qabadsiiyay xarumo, dhagxaan ayay dadka isku tuurayeen, waxaana rabshadahan ka dhashay isbuurasho, Rabashadahan ayaa u dhexeeyay bulshada muslimiinta iyo kuwa hinduuga. Madhulika Singh waxay dukaan dharka lagu iibiyo ku heysataa deegaanka Sitabari, mar ay ka hadleysay rabshadaha waxay tiri, ""Shacabka Muslimiinta iyo kuwa Hinduuga labaduba cabsi ayaa lasoo deristay, dukaamo ayay ku heystaan halkaas, waxaan ka baqeynay haddii aan dibadda u baxno in nala soo weerarayo, cabsida jirta darteed, waxay iga codsadeen in aan badbaadiyo"" Waxay tiri ""Waxaan fadhiyay dukaankeyga, kadibna waxaan maqlay buuq, markaan soo baxay oo aan arkay dadkii dukaanka lahaa oo meheradahooda xiraya, markaan weydiiyay waxay ii sheegeen in bannaanka uu dagaal ka dhacay, markaan arkay dad bannaanka ka yimid, ganacsatadii markaas ayay ii yimaadeen , waxay igu yiraahdeen , na badbaadiya"" Waxay sii raacisay hadalkeeda in maalintii ay rabashadaha ka dhaceen Hindiya ay badbaadisay dad Muslimiin ah iyo kuwa Hindu ah. ""Dhammaantood waxaan geeyay gurigeyga, waxaa kamid ahaa dadkaas 15 qof oo Muslimiin ahaa iyo saddex qof oo Hindu ahaa, waxaan siiyay shaah iyo biyo, muddo ayaan halkaa ku jirnay si aan u ogaano waxa ay ku dambeyn doonto xaaladda, saddex saacadood ayaa ku sugneyn qolka"" ""Ma ahan in la kala sooco Muslimiinta iyo Hinduuga, Dhammaanteen waxaan nahay walaalo iyo bini'aadam."" Madhulika Singh waxay sidoo kale sheegtay in weli ay jirto cabsi ah in rabshado kale ay ka dhacaan halkaas, weli dad yar ayaa dib ugu laabtay xarumahooda ganacsi Madhulika Singh Jadoun waa haweeney 46 jir ah, waxay dukaan ku heystaa goobta ay rabshadaha ka dhaceen, waa haweeney heysta labo carruur ah, waxaa lagu ammaanay tallaabadan ay ku badbaadisay dadka Muslimiinta ah. Waa la garaacay waxaana loo bahdilay diintiisa Islaamka darteed ‘Muslimiinta asxaan ugumaysan sameyn Hindiya inay halkan joogaan’ Hindiya oo dambi ka dhigtay ""Dalqadaha"" seddexda ah ee furriinka Labadii bishan April, waxaa Hindiya ka dhacay rabshado u dhexeeyay Muslimiinta iyo Hinduuga, rabshadahan ayaa ka dambeeyay markii hay'adaha Hinduuga ay bilaabeen inay u dabbaaldegaan munaasabad u gaar ah oo ay sanadkii xusaan. Rabshadaha ayaa markii dambe ku faafay deegaano dhowr ah, dhagxaan ayaa laisku tuurayay halka dab la qabadsiiyay xarumo dhowr ah. Dadka waxay bilaabeen inay kala cararaan si ay naftooda u badbaadiyaan, ku dhawaad 70 mooto ah ayaa la burburiyay halka qaarkoodna la gubay, dhismooyin iyo dukaamo ayaa dab la qabadsiiyay. Ku dhawaad ​​35 qof ayaa ku dhaawacmay rabshadahaas. Waxaan waddooyinka magaalada Karauli la geeyay ciidamo boolis ah si ay xiisadda u dejiyaan, waxaana lagu soo rogay deegaanka bandow si looga hortaggo in xiisad hor leh inay ka dhacdo halkaas." https://www.bbc.com/somali/61127990 +politics Xaafadda Islii oo laga qaaday xayiraaddii socdaalka Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo goor dhaweyd shacabka dalkiisa la hadlay ayaa shaaciyay in laga billaabo maalinta beri ah la qaadi doono xayiraadda gelitaanka iyo ka bixitaanka ee muddada bisha ah saaran xaafadda Islii. Uhuru ayaa dhanka kale shaaciyay in muddo 30 maalmood ah la kordhiyay bandowga habeenkii saaran dalka oo dhan, balse la yareeyay waqtigiisa oo halkii uu ka bilaabmayay 7-da fiidnimo dib loogu dhigay illaa 9-ka fiidnimo uuna ku egyahay 4-ta aroornimo, halkii uu 5-ta ka ahaa. Ganacsatada iyo shacabka ku nool Islii ayaa sheegay inay dhibaato badan kala kulmeen xayiraadda oo si weyn u taabatay. Ma baaritaan sir oo cudurka corona ah ayey sameyneysay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya? Corona dartii ma loo bedali karaa aadaanka saaladda? Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe oo 6-dii May shaaciyay xayiraadda ayaa sheegay in Islii ay kamid tahay goobaha uu sida ba'an ugu faafay Fayraska Korona, isla markaana kiisas badan laga helay. Lama sheegin in hadda uu hoos u dhacay faafidda cudurka ee xaafaddaasi ay Soomaalida ku badan tahay. In ka badan 2,400 oo kiis oo ah Fayraska Korona ayaa laga diiwaangeliyay Kenya, waxaana la shaaciyay inay cudurka ay u dhinteen 79 qof. https://www.bbc.com/somali/war-52949452 +politics Muranka badda: Kenyatta oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara go'aanka maxkamadda ICJ "Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa markale gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo dhawaan Soomaaliya u xukuntay qeyb badan oo ka mid ah soohdinta badda ay ku mursanaayeen Kenya iyo Soomaaliya. Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go'aankaasi uu waxyeelayn kara xiriirka ka dhaxeeya labada dal. Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacanseyray xukunka ay maxkamadda ka soo saartay muranka baddan oo la sheegay inay ceegaagaan yihiin gaaska iyo kheyraad kale oo dabiici ah isagoo sheegay in arrintaasi ay ""isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba ee dalkiisa, ayna halis gelin karta ammaanka gobolka Geeska Afrika."" Kenyatta ayaa hadalkan ka jeediyay xafladda dabbaaledegga maalinta halyeeyada oo ku beegneyd shalay. ''20 -ka Oktoobar waa maalin muhiim u ah taariikhdeena maxaa yeelay 1952 waxay ahayd maalintii Xaaladda Degdegga ah uu gumaystuhu kaga dhawaaqay dhulkeenna, waxaana la xiray boqollaal kamid ah aabayaashii dalka Kenya aas'aasay''. Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay inay dadkii xoriyada Kenya u dagaalamay ay caqabadahaas dusha u riteen sidaas awgeedna ay ka guuleysteen gumeeystaha. ""Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,"" ayuu yiri madaxweyne Kenyatta. Uhuru ayaa xusay in Kenya ay tahay dal nabadda jecel isla markaana ay dooneysa in nabad ay kula noolaato dalalka dariska ah ayna ka qeyb qaadatay howlaha nabadda loogu raadinayo dalalka kale. Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhanka badda ah oo muddo dheer soo jiitamayay. Xiriirka labada dal ayaa mar gaaray heerkii ugu xumaa ilaa ay noqotay inay kala qaataan safaaradaha. Bishii sagaalad ee sanadkan ayuu Madaxweyne dalka Kenya Uhuru Kenyatta booqday Lamu halkaasi oo uu xarigga ka jaray saldhig ballaaran oo ay ciidamada badda ku yeelan doonaan Manda Bay oo ka tirsan deegaanka Lamu . Wuxuu kaloo xarigga ka jaray garoon diyaaradeed oo uu saldhigaasi Manda yeelan doono. Madaxwayne Kenyatta oo khudbad jeediyay markii uu saldhigani xarigga ka jaray ayaa sheegay in saldhigani uu muhiim u yahay madaxbanaanida Kenya iyo sugidda ammaanka xuduudaha. Taliyaha militariga Kenya Janaraal Robert Kibocho ayaa dhankiisa sheegay in saldhigan uu taageero siin doono ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo. Ciidamada badda ee dalka Kenya ayaa waxaa muddoyiinkii u dambeeyay ku socday dib u habeyn xooggan. Dowladda Kenya ayaa maraakiib cusub oo casri ah u soo iibsay ciidamada badda." https://www.bbc.com/somali/58991057 +politics Wargeyska East African: Sababta uusan go'aanka ICJ xal ugu noqon karin muranka Kenya iyo Soomaaliya "Wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi ee Kenya ayaa wax ka qorey dacwadda badda ee taala maxkamadda cadaalada adduunka ee ka dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya,. Wargeyska ayaa u muuqda inuu muujinayo jiho cusub oo suuragal ay tahay in uu qaado khilaafka labada dal. Isaga oo soo xiganaya xeeldheerayaal xagga sharciga ah oo toddobaadkii hore ka qeybgalay kulan arrimahan lagu falanqeeynayay oo ka dhacay Nairobi, ayuu wargeyska sheegay in go'aan kasta oo ay maxkamadda gaarto uusan soo afjari doonin khilaafka labada dal. Wargeyska East African wuxuu qoray in marka ugu dambeysa ay Soomaaliya tahay in ay la fariisato Kenya, xitaa haddii loo xukumo dhul badeedka. Shirka Nairobi ka dhacay waxaa martigaliyay machadka caalamiga ah ee Horn International Institute for Strategic Studies, waxaana dadkii qubarada ahaa ee lagu casuumay ay sheegeen in muranka dhulka ee dalalka kale dhexmaray aanan laga gaarin xal, maadaama maxkamadaha ay ""si qaldan u turjunteen dareenka siyaasadeed ee dalalkaas ka dhex jiray,"" sida wargeyska uu daabacay. ""Waa qaabab fool xun oo shaqooyiinka loo qabto, waa arrin ku dhammaan karta guul iyo guul daro,"" ayuu wargeyska kasoo xigtay Makumi Mwagiru oo ka tirsan jaamacadda Strathmore ee Nairobi ku taala. Aqoonyahanka ayaa shirka kusoo bandhigay daraasad uu ka sameeyay farqiga u dhaxeeya isfaham la'aanta iyo khilaafka, isaga oo ku micneeyay in ""isfaham waagu yahay wax muddo kooban socda, sida mid ka dhashay lo' Kenya laga leeyahay oo Soomaaliya u gudubtay"". Balse khilaafka ayuu ku sheegay in uu yahay mid muddo dheer qaatay oo ku saabsan arrimo aanan gorgortan laga gali karin sida dhul. ""Garsoorka wuxuu xalliyaa isfaham waaga, balse ma xallin karo khilaafka,"" ayuu ku yiri dadkii isugu yimid shirka. Waxaa tusaale loosoo qaatay go'aankii maxkamadaha ay ka gaareen khilaafkii dhulka ee Nigeria iyo Cameroon oo lagu saleeyay wada xaajood hore oo dalalkaas ay ka yeesheen arrinta, sida uu sheegay Bashir Shettima oo mar ahaan jirey guddoomiyaha guddiga xudduudaha ee Nigeria. Dadka qaar ayaa soo jeediyay eedeymo ah in kiiska badda uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ""siinayo fursad uu ugu isticmaalo in dib loosoo doorto"", sidan waxaa ku doodaya Peter Kagwanja oo ah agaasimaha machadka Africa Policy Institute. Mr Justice Srem Sai oo ka tirsan machadka Maamulka iyo Maareynta ee Ghana ayaa ku dooday in go'aanka maxkamadda aanan lasii saadaalin karin, ayna tahay in laga faa'iideysto fursadaha kale ee lagu xallin karo arrintan." https://www.bbc.com/somali/war-49162200 +religion Jilaa caan ah oo lagu heysto hadal uu Muslimiinta ka sheegay "Mid ka mid ah muuqaallada, ayaa Shah wuxuu cambaareyn ugu soo jeediyay ""Muslimiinta"" u dabaal degayay guusha Taliban. Wuxuu sheegay in tani ay direys farriin xun. Wuxuu is barbar dhigay ""Islaamka Hindiya"" iyo dhaqamada Islaamka ee qeybaha kale ee caalamka. Muslimiin badan ayaa ka careysan hadalkiisa waxayna ku eedeynayaan Shah inuu sameeyay is barbar dhig khaldan. Isla mar ahaantaas, qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga talada haya ee BJP ayaa ammaanay Shah. Falcelinno kala duwan ayaa ka timid hadalka jilaa Naseeruddin Shah ee ku saabsanaa Taliban. Dad badan ayaa ku taageerayay hadalkaas, halka qaarna ay cambaareynayeen. Isagoo ku hadlayay afka Urdu-ga, ayaa 71 jirkan wuxuu sheegay in dadka u dabaal degaya guusha Taliban ay tahay inay is weydiiyaan, ""Ma waxay doonayaan isbeddel, ma waxay doonayaan Islaamka casriga ah amaba waxay doonayaan inay la noolaadaan wuxuushnimadii tobnaankii sano ee la soo dhaafay? "" Taliban ayaa xoojisay shareecada Islaamka, iyagoo xukumayay Afghanistan intii u dhaxeysay 1996 iyo 2001. Muddadaas waxay fuliyeen dilal iyagoo haweenkana ka mamnuucay inay iskuullada aadaan ayna wax bartaan. Shah ayaa sheegay in ""Hindustani"" ama Islaamka Hindiya ay mar walba ka duwan yihiin Islaamka dunida kale. Wuxuu yiri, ""Waxaan ahay Muslim Hindi ah... sida uu Mirza Ghalib beri hore sheegayna - xirirka aan Allah la leeyahayna waa mid aysan ku dheehneyn dano. Uma baahni diin siyaasadeed."" Weriye Saba Naqvi ayaa hadalka Shah ku tilmaamay ""dabin"" sababi kara in Taliban ay diidaan Muslimiinta Hindiya. ""Maxaa Muslimiin badan oo Hindi ah loogu amrayaa inay cambaareeyaan? Ma iyagaa doortay amaba casuumay Taliban?"" Weriye Aditya Menon ayaa isna yiri ""Hadalka Shah waa mid aan loo baahneyn"" oo ""fidno abuuraya"". Wuxuu yiri, ""Mar Muslimiinta Hindiya ay wajahayaan qaadacaad dhanka dhaqaalaha ah, qalalaase burcadeed, tacaddiyada booliiska, waxa ugu dambeeya ee ay doonayaan waa in cod dheer loogu sheego in fekerka Taliban in fekerka Taliban uu ka tan badin karo bulshada. Ma jirto khatar noocaas ah"" Dadka arrimahan ka hadla ayaa dhowr jeer walaac ka muujiyay xaaladda 200 oo milyan oo Muslimiinta Hindiya ah. Waxay sheegeen in tan iyo sanadkii 2014, xilligii dowladda Ra'iisul Wasaare Narendra Modi, ay xaaladda Muslimiinta dalkaasi ka sii dartay. Si kastaba, filim sameeye Vivek Agnihotri, oo taageere u ah dowladda BJP, ayaa Shah ku ammaanay inuu ka hadlay ""Taliban-ka arxanka daran"". ""Waxaan rajeynayaa in Muslimiin badan oo wax bartay oo hal abuur leh, gaar ahaan kuwa Bollywood, ay ka hadli doonaan cadowgaas,"" ayuu yiri. Sanadkii 2001, militariga Mareykanka ayaa Taliban ka saaray Afghanistan, balse kaddib heshiis la gaaray sanadkan dhexdiisa, ayaa Mareykanka iyo ciidamada shisheeye waxay ku go'aansadeen inay isaga baxaan Afghanistan. Wixii intaas ka dambeeyay, 15-kii August, ayay Taliban mar kale la wareegeen talada Afghanistan." https://www.bbc.com/somali/war-58423380 +technology Apple: Shirkadda Apple oo lagu eedeeyey in qalab ay samaysay la isku basaaso "ShirkaddaApple waxa ay qorshaynaysaa in ay soo bandhigto tiro isbedelo ah si ay u adkeyso in aan si khaldan loo isticmaalin adeegga AirTags oo la sheegay in dadka qaar lagu basaaso. Aaladdan oo cabbirka badhanka oo kale ah waxaa loogu talagalay inay la shaqeeyaan aaladaha shirkadda Appke si loo helo walxaha lumay. Shirkaddu waxay sheegtay in isbeddellada ay ku samaysay aaladda ay fududayn doonto in la helo calaamadaha shakiga leh, isla markaana ay hore uga digtoonaadaan isticmaaleyaasha in AirTag uu la socdo.Bishii Janaayo, tiro haween ah ayaa BBC-da u sheegay in lagu soo raacay isticmaalka AirTags. Apple ayaa bilaabay barnaamijak AirTags bishii Abriil ee sannadkii hore. Aaladdan yar waxaa lagu dhejin karaa shandadda ama furayaasha - wax kasta oo aad waayi karto. Laakin aaladaha waxaa si khaldan loogu isticmaali karaa in dadka loogu qariyo baabuurta, ama shay gaar ah sida boorsadooda. Iyada oo qayb ka ah isbeddelada lagaga hor tegayo si xun u isticmaalka, Apple ayaa la sheegay in isticmaale kasta oo dejisanaya adeegga AirTag markii ugu horeysay uu arki doono fariin digniin ah, taas oo ah in isticmaalka aaladdan lagula socdo dadka ogolaansho la'aan in ay dambi ka tahay gobolo badan oo adduunka ah. Hadda, isticmaalayaasha iPhone (iyo isticmaalayaasha Android ee soo dejisanaya app) waxay helayaan digniin haddii AirTag aan la garanayn uu la socdo.Apple ayaa ku dhawaaqday in dadka la ogeysiin doono goor hore in AirTag aan la garanayn ay uu ka ag dhaw yahay, si looga hor tago in la isku basaaso. Marka dadka looga digayo ""raadinta aan loo baahnayn"" ee AirTag, isticmaalayaasha iPhone 11, iPhone 12, iyo iPhone 13 waxay awoodi doonaan inay isticmaalaan ""helitaanka saxda ah"", si ay u arkaan masaafada iyo jihada AirTag aan la garanayn marka ay ku jirto kala duwan. Markii hore milkiilaha AirTag kaliya ayaa sameyn kara tan." https://www.bbc.com/somali/war-60361010 +technology Milkiilaha Facebook oo sheegay in uu ku sigtay in uu ooyo "Milkiilaha Facebook ayaa wajahay hoos u dhac weyn oo ah dhanka suuqa saamiyada waxa uu khasaaray in ka badan $230 bilyan oo doolar, taasoo ah khasaare rikoor ah oo ay khasaarto shirkad Mareykan ah. Meta ayaa sidoo kale sheegtay in isticmaaleyaasha Facebook ee firfircoon ee maalinlaha ah ay hoos u dhaceen markii ugu horreysay taariikhda muddo 18-sano ah. Mark Zuckerberg ayaa u sheegay shaqaalaha in laga yaabo inuu ooyo sababtoo ah isha ayuu xoqday saacado yar ka dib markii shirkadiisu ay gashay khasaarahaasi. Tirokoobyo cusub, oo la sii daayay iyada oo qayb ka ah natiijooyinka dhaqaale ee ugu dambeeyay ee shirkadda Meta, ayaa muujinaya in isticmaaleyaasha maalinlaha ah ee Facebook ay hoos u dhaceen 1.929 bilyan oo qof saddexdii bilood ee ugu dambeeyay 2021. Hoos u dhaca ku yimid hantida gaarka ah ee Mr Zuckerberg ayaa u dhiganta wax soo saarka guud ee sanadlaha ah ee Estonia. Xitaa hoos u dhacaas ka dib, Mr Zuckerberg wuxuu heystaa hanti lagu qiyaasay ku dhawaad ​​$90bn, taasoo la micno ah inuu weli yahay mid ka mid ah dadka ugu qanisan adduunka. Waa markii ugu horreysay ee shirkaddan baraha bulshada la kulanto khasaare nocaan ah oo uu hoos u dhac ku yimid. Way caddahay in Meta ay soo food saartay dabayl wadata dhibaatooyin kala duwan. Sababaha ay macamiisha hoos ugu dhaceen waxaa ka mid ah tartaramada ay ku hayaan shirkadaha kale ee baraha bulshada sida TikTok. TikTok ayaa soo jiidanaysa da' yarta Iyo waxaane sare u sii kacaya kobaca isticmaaleyaasha. Meta ayaa sidoo kale ka digtay hoos u dhigista kobaca dakhliga ee tartanka ka imaanaya shirkadaha tartamaya oo ay ku jiraan TikTok iyo YouTube, halka dadka wax ku xayeysiisanaya ay sidoo kale jarayeen kharashaadka. Mr Zuckerberg ayaa sheegay in kobaca iibka shirkadu uu dhaawac soo gaaray markii daawadayaasha, gaar ahaan isticmaalayaasha da'da yar, ay u wareegeen kuwa ay xafiiltamaan. In kasta oo shirkaddu ay maalgelin ku samaynaysay adeegyada muuqaalka si ay ula tartanto TikTok, oo ay iska leedahay shirkadda weyn ee tignoolajiyada Shiinaha ee ByteDance, hadana waxay ka heshaa lacag ka yar waxyaabaha ay bixiyaan Facebook iyo Instagram-keeda caadiga ah. Shirkadda Facebook ayaa sannadkii hore ku dhawaaqday inay iska baddashay magaca lagu aasaasay, ayna la baxday Meta, tallaabadaas oo qayb ka ah isbaddal weyn oo lagu sameynayo shirkaddan. Tallaabadan ayaa daba socotay sheekooyin lagu weeraray Facebook oo lagu saleeyay dukumiintiyo uu soo dusiyay nin horay uga tirsanaa shaqaalaheeda. Frances Haugen ayaa ku eedeeyay shirkaddan in ay ""badbaadada ka hormariso sidii ay dhaqaale ku heli lahayd"". Arrintan ayaa kusoo aadday xilli horaantii bishii October ee sannadkii 2021-kii ay cillad ku timid adeegyada Facebook oo mar qura hawada ka baxay meelo badan oo ka mid ah dunida. Shirkaddan saameynta weyn ku leh baraha bulshada ayaa dareentay hoos u dhac aysan la kulmin muddadii 18-ka sano ahayd ee ay jirtay Facebook. Meta oo ah shirkadda leh Facebook ayaa sheegtay in dadka maalin kasta soo gala ay hoos ugu dhaceen 1.929 bilyan muddo saddex bilood ah oo ku ekeyd bishii December. Tiradaas ayaa ka yar marka lala barbar dhigo saddexdii bilood ee ka horreysay oo ahayd 1.930 bilyan. Waxa ay shirkaddu sidoo kale ka digtay inuu yaraan doono dakhliga usoo xarooda, maadaama uu jiro tartan adag oo ay ka wajahayaan shirkadaha TikTok iyo YouTube. Sidoo kale waxaa hoos u dhacay dadka wax ku xayeysiiya Facebook. Saamiyada Meta ayaa in ka badan 20% hoos uga dhacay suuqa loo yaqaanno ""after-hours"" ee magaalada New York. Waxay taasi ka dhigan tahay in qiimaha suuqa saamiyada ee Meta ay ka go'day lacag dhan qiyaastii $200bn (£147.5bn). Saamiyada shirkadaha kale, sida Twitter, Snap iyo Pinterest, ayaa sidoo kale hoos u dhacay. Mark Zuckerberg oo ah madaxa shirkadda ayaa sheegay in dadka dhallinyarada ah ay ka guurayaan ayna aadayaan shirkadaha kasoo hor jeeda ee tartanka kula jira. Facebook waxay waligeedba ahaan jirtay mid kor u socota, tan iyo markii la aasaasay ku dhawaad 20 sano ka hor. Saddex bilood oo kasta tirada dadweynaha adduunka ee kusoo biiraya waxay ahaayeen kuwo hal jiho ku socda, oo dhanka sare ah. Sidaasoo ay tahayna, dhowrkii sano ee lasoo dhaafay kobaceeda dhinaca Mareykanka iyo Yurub ma uusan isbaddalin. sare u kaca waxa uu ka imaanayay dadka ku nool dunida inteeda kale. Facebook hadda dadka ugu badan ma aha dhallinyarada oo kaliya, sidii ay horay ahaan jirtay. Sida ay mas'uuliyiinteeda qirteenna, TikTok ayaa dhaawac weyn u geysatay ganacsigooda. Balse waxaa jira sababo kale oo dadka maalgashadayaasha ah ay uga walwalsan yihiin Meta. Meta waxay baddashay magaceeda sababtoo ah waxay rabtay inay diiradda saarto ganacsiyada Metaverse. Balse Meta uma wali uma dhawa inay abuurto Metaverse, taasina hadda waa riyo la hiigsanayo. Hase yeeshee waxay balaayiin doolar ku bixineysaa isku dayga la xiriira in la dhiso - sababtuna waa in Mark Zuckerberg uu u maleynayo in adeeggaas loo baahan yahay - taasoo ah halis weyn. Ma laga yaabaa in xalka ugu degdegta badan ee lagu dhammeyn karo dhibaatooyinka haysta Meta uu yahay inay iibsato TikTok? Haddii uu xitaa yahay, waaxda sharciyeynta ee Mareykanka waligeed uma oggolaan doonto tallaabadaas oo uu ka hor imaanayo sharciga tartamada shirkadaha. Dhanka kalena, Facebook hadda waxaa gobolka Silicon Valley looga arkaa meel sumeysan. Lagama aaminsana inay tahay meel wanaagsan oo laga shaqeeyo sidii ay u ahaan jirtay toban sano ka hor. Arrintaasina waxay sababeysaa in dadka xirfadda sare leh ay ka fogaadaan. Meta waxay wajaheysaa dhibaatooyin aad u waaweyn, middan hadda culus waxa ay noqon kartaa billow oo kaliya." https://www.bbc.com/somali/war-60269901 +entertainment Bollywood Salman Khan: Xaas iyo ilmo qarsoon miyaa Salman Khan u jooga Dubai? "Jilaaga weyn ee Aflaanta Bollywood Salman Khan, ayaa beeniyay wararka sheegayay in xaas iyo gabadh 17 sano jir ah ay u joogan dalka Isutagga Imaaraatka carabta. Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in jilaaga uu qarinayo haweenay lagu magacaabo Noor iyo gabadh 17 sano jir, kuwaas oo la sheegay in ay ku nool yihiin magaalada Dubai. Jilaaga ayaa su'aalaha la xiriira arrinta qoyska lagu weydiiyay barnaamijka Pinch 2 ee uu daadiyaha ka yahay walaalkiis Arbaaz Khan. Salman Khan ayaa lagu casuumay barnaamijkaas si uga jawaabo fariimo ay dadweynaha u soo mariyeen dhanka baraha bulshada. Mid ka mid ah fariimaha lala wadaagay jilaaga ayaa loo dhigay sidaan: Halkee ayaad ku dhuumanaysaa, fulayahow?, Hindiya oo dhan wey ogtahay in aad Dubai la joogto xaaskaaga iyo gabadhaada 17 sano jirka ah. Ilaa intee ayaad qorshaynaysaa in aad been noo sheegtid? Isla markii uu Salman maqlay su'aashas waxa uu yiri: ""Dadkan waxaan filayaa inay si fiican u ogyihiin. Waxaan oo dhan waa been. Ma garanayo cida ay ka hadlayaan iyo meelaha lagu soo qoraybo."" ""Walaal aniga xaas ah ma lihi. Waxaan ku nool Hindiya dhismaha Galaxy, tan iyo markaan sagaal sano jir ahaa. Uma jawaabayo qofkan, Hindiya oo dhan wey ogtahay meesha aan ku noolahay."" Waxaa dad badan oo daawada aflaanta Hindiga aan ka qarsooneyn in jilaaga caanka ah ee Salman Khan uusan guursanin waligiis. Salman Khan oo ay da'diisu tahay 53 sano, loogana bartay aflaanta Hindiga ee jaceylka iyo dagaalka ku saleysan ayaa su'aasha ugu badan ee la weydiiyay noolashiisa waxaa la sheegay inay ahayd sababta uu u guursan waayay, waxana marar badan su'aashaas weydiiyay warbaahinta dalka Hindiya oo in muddo ah doonayay inay ogaadaan waxa jilaagan ku kalifay in uusan ku dhiiranin in uu guursado. Salman Khan oo dhowr jeer la weydiiyay sababta uu u guursan la'yahay ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay, isagoona horay u sheegay in sababta uu u guursan la'yahay ay tahay dhaqaalaha guurka ku baxa oo ka badan intii ay ku guursan jireen dadkii hore. Hase ahaatee, jawaabtaas ayey dad badan ay u arkeen in Salman uu isaga jeedinayo indaha shacabka iyo taageerayaashiisa, maadaama jilaaga uu kamid yahay jillayaasha ugu hantida badan dalkaas, ayna jirin sabab ku kalifi karta in dhaqaale la'aan uu u guursan waayo. Bale warbaahinta dalka Hindiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay hadal hayay xog hoose oo ay ka heleen qoyska Salman khan. Inkastoo BBC-da aysna xaqiijin karin xogtaas ayaa haddana qaar kamid ah warbaahinta dalka Hindiya oo soo xiganaya qof kamid ah qoyska Salman waxay kusoo warrameen in Khan uusan dooneyn in uu qoyskiisa ka fogaado. ""Salman waxaa aad loogu yaqaanaa qadarinta uu u hayo qoyskiisa, dhowr jeer oo hore oo uu isku dayay in uu guursado waxa ay la noqon weyday in fursad la noolaasho uu siiyo qofkale oo aan ahayn qoyskiisa, taasi na ay tahay sababta uu u guursan la'yahay"", sidaas waxaa qaar kamid ah warbaahinbta Hindiya u sheegay qof kamid ah qoyska Salman Khan. Sanadihii dambe waxa soo baxay warar aan la xaqiijin oo sheeegaya in Salman khan uu doonayo in uu guursado gabdho ay kamid yihiin Katrina Kaif iyo Iulia Vantur, balse wararkaas ayaa noqday kuwa xan ah oo kaliya oo aysan waxba ka suurtagelin, waxaana qoyska Salman Khan la sheegay in mar walba ay ku booriyaan in uu guursado, balse isaga uu go'aankaas qaatay. ""Qoyskiisa waxay mar walba doonayeen in Salman Khan uu guursado qaar kamid ah gabdhaha ugu caansan dalkaas, balse dantiisa shakhsiga wuxuu mar walba ka hor mariya tan qoyskiisa oo wuxuu jecel yahay in uu la noolaado qoyskiisa, ayna noqdaan qoys boqortooyo ah.""Ayuu raaciyay. Salman Khan oo dad badan ay u arkaan in uu sii duqoobayo marka la eego da'diisa ayaanan wax reer ah yeelanin waligii, arrintan oo dad badan ay la fajaceen maadaama qaar kamid ah caruurta jilayaashii ay isku wakhtiga ahaayen Salman ay durba kusoo biireen jilista aflaanta. Salman Khan oo uu dhalay jilaaga caanka ah ee Salim Khan ayaa shirkadda Bollywood-ka kusoo biiray horaantii sagaashameeyadi, waxaana tan iyo xiligaas uu soo jilay inkabadan boqol Filim oo uu dhaqaale badan ka sameeyay. Hantida uu heysto waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 300 oo milyan oo doolar. Qaar ka mid ah hay'adaha falanqeeya arrimaha filimada ayaa Salmaan Khan ku tilmaamay inuu yahay jilaagii ugu wanaagsanaa ee abid soo maray dunida, inkastoo kuwo kale ay dood ka keeneen arrintaas, ayna barbar dhigeen jilaaga kale ee lagu magacaabo Shakrukh Khan." https://www.bbc.com/somali/war-57930922 +technology Falcelinta TikTok ee hadalkii Madaxweyne Trump "Barta Tiktok ayaa si adag uga jawaabtay hanjabaaddii madaxwyne Trump ee ahayd inuu TikTok ka mamnuucayo dalka Mareykanka isagoo ku sababeeyay walaac laga qabo in barta ay macluumaadka gaarka ah ee dadka reer Mareykan la wadaagto dowladda Shiinaha. Maamulaha guud ee TikTok Vanessa Pappas ayaa sheegay in TikTok ay dalka Mareykanka ka haysato maalaayin taageero u ah oo isticmaalo bartooda. Waxa uu sidoo kale maamulaha carrabka ku adkeeyay ineysan jirin waxa xiriir ah oo ka dhaxeeya iyaga iyo dowladda Shiinaha. Madaxaweyne Donald Trump ayaa shalay ku dhawaaqay inuu Mareykanka ka mamnuucayo app-ka TikTok oo muuqaalada lagu baahiyo. Waxa uu weriyaasha u sheegay inuu saxeexayo amar sare oo khadka looga saarayo barta. App-kan oo uu isticmaalkiisu xawaare ku socdo ayaa waxaa isticmaala 80 malyan oo reer Mareykan ah, waxayna mamnuucidda TikTok saameyn weyn ku yeelan doontaa shirkadda ByteDance. Tallaabadan lagu mamnuucayo TikTok ayaa imaneysa xilli uu sii adkaanayo xiriirka u dhaxeeya maamulka Trump iyo dowladda Shiinaha iyagoo isku haya qodobo dhowr ah oo ay ay ka mid yihiin khilaafka dhanka ganacsiga iyo dilaacidda fayraska corona. TikTok ayaa ah app ama barnaamij uu qofku si bilaash ah u adeegsan karo, waxaana TikTok lagu macneeyaa inuu yahay YouTube yar. Dadka isticmaala App-ka TikTok waxay ku soo bandhigi karaan muuqaal aan hal daqiiqo ka badneyn, dadka isticmaalana waxayapp-kaasi ka heli karaan codad ku keysdan oo ay muuqaalladooda ama farriimahooda ku lifaaqi karaan. Muuqaallada majaajillada iyo farriimaha qoraalka ah ee gaagaaban ayey sidoo kale dadka isticmaala app-kan TikTok soo dhigi karaan. Qofka TikTok isticmaala marka uu helo 1,000 qof oo bartiisa ku xiran, wuxuu barnaamijku u oggolaanayaa inuu barnaamijyo toos ah uu la wadaago taageerayaashiisa isl-markaana uu aqbalo hadiyado digital ah oo uu lacag ku beddelan karo. App-ka TikTok wuxuu soo bandhigaa dhammaan muuqaallada ay dadka isticmaalo iyo dadka ku xiran soo dhigaan iyo waxyaabaha app-ka uu muhiim u arko inuu markale qofka daawada ama u soo celiyo. Sida oo kale barnaamijkan wuxuu dadka isticmaala u oggolaanayaa iney farriimo isweydaarsadaan.. TikTok wuxuu ku howlgalay afar App oo kala duwan. Barnaamijka ugu horreeyey wuxuu ahaa Musical.ly, oo Mareykanka uu sii daayey 2014-kii. Sidoo kale, 2016-kina Shirkadda technooloojiyadda ugu weyn Shiinaha ee Bytedance wuxuu dalka Shiinaha ka bixiyaa adeeg la mid ah oo loo yaqaanno Douyin. Bytedance ayaa caalamka intiisa kale ku baahay waxaana loo bixiyay magaca ah TikTok. Sannadkii 2018-kii Bytedance waxay iibsatay shirkaddii Musical.ly, iyada oo ku dartay howlaha barnaamijka TikTok uu qabto. Bytedance waxay isku dayday in ay iska fogeyso in dowladda Shiinaha ay leedahay shirkadda, waxaana agaasimihii hore, ee shirkadda Disney, Kevin Mayer, u magacaabay agaasimaha guud ee TikTok. TikTok macluumaad aad u badan ayuu ka uruuriyey dadka isticmaala barta, waxaana xogahaas ka mid ah: Qaar ka mid ah xog uruurinta barnaamijka ayaa kor u qaaday soo jiidashada, waxaana dhowaan lagu soo daray koobbiyeeynta iyo gudbinta farriimaha ay dadku wadaagaan. Balse waxay arrintan saameyn ku yeelatay app-kan kuwo la mid ah sida Reddit, Linkedin, New York Times iyo BBC News app. Xogaha uu uruuriyey TikTok ayaa u dhigma mid la mid xogta ay keydiso barta ay bulshada ku wada xiriirto ee Facebook. Si kastaba, Xafiiska Wakiilka Macluumaadka iyo Siraha UK ayaa sheegay inuu barnaamijkan baaritaan ku wado. Xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa TikTok ku eedeeyey in dadka isticmaalo qy xogtooda khatar ku jirta ayna ""xisbiga Hantiwadaagga Shiinaha uu u dhaco si uu xogtaas u qaato"". TikTok wuxuu marar badan ku dooday in xogta lagu keydiyo meel Shiinaha ka baxsan. ""Soo jeedinta iyo eedda dowladda Shiinaha ka dhanka ah, gabi ahaanteedaba waa khalad, waana been abuur,"" ayuu yiri Theo Bertam oo ah madaxa arrimaha siyaasadda TikTok ee Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika oo BBC u waramay. Balse, sida shirkadda Huawei, doodaha ka dhanka ah TikTok waxay u muuqdaan in ay salka ku hayaan suurtagalnimada aragtida dowladda Shiinaha ee ku qasbeysa in Bytedance ay maamullada maxalliga ah ku wareejiso xogta isticmaaleyaasha shisheeye ama ajaaniibta ah. Sannadkii 2017-kii, Sharciga amniga qaranka Shiinaha ayaa muwaaddiniinta iyo hay'ada dalkaasi Shiinaha ugu baaqay iney ""taageeraan iyo in ay gacanna siiyaan, ayna la shaqeeyaan howlaha laamaha ammaanka qaranka ay wadaan,"" si waafaqsan sharcigaasi. Mr Bertam wuxuu sheegay in TikTok aysan dowladda Shiinaha wax xiriir ah la lahayn, ""Haddiise ay naga codsato xog ama macluumaad ku saabsan dadka isticmaalo waxaan leennahay maya,"" ayuu yiri. Balse ByteDance waxay maskaxda ku haysaa cawaaqibta ka dhalan karta in dacaayad laga faafiyo Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha maamula. App-ka caanka ah ee loo yaqaanno Toutiao ayaa 24 saacadood hawada laga saaray sannadkii 2017-kii, sida uu sheegay wargeyska South China Morning Post, ka dib marki uu xafiiska xogaha internet-ka ee Beijing uu sheegay inuu baahiyo ""muuqallo anshax xumo ah iyo waxyaabo aan wanaagsanayn"". Amarrada tooska ah ee uga yimaadda madaxa sirdoonka ugu sarreeya dalka Shiinaha oo la diido cawaaqib xumo ayaa uga iman karta shirkadda madaxdeeda." https://www.bbc.com/somali/war-53626928 +politics War ka soo kordhay askerigii Soomaaliga ee u xirnaa dilka haweenay Australian ah "Askari hore uga ka tirsanaa booliska  Minneapolis oo  loo xiray inuu sannadkii 2017-kii toogtay haweenay aan hubaysnayn ayaa xabsiga laga sii daayey. Maxamed Nuur oo ah Soomaali Maraykan ayaa xabsiga haatan laga sii daayey ku jiray saddex sano. Markii ugu horraysay ee maxkamadda la soo taagay waxay lagu helay dil kama’ ah oo waxa muddo markii ay socotay dacwadiisu kama dambaystii sannadkii 2019 lagu xukumay laba iyo toban sano iyo bar xarig ah. Laakiin racfaan ay xukunkaa ka qaatay  qareennadiisu ayaa muddo ka dib ay  maxkamadda sare ee gobolka Minnesota u oggolaatay in laga dhigo xukunkiisa  shan iyo dhowr bilood. Maxaa xiga hadda? Af-hayeen u hadlay waaxda asluubta ee gobolka oo xaqiijiyey sii daynta maxbuuskaa ayaa sheegay in maxaabiista la sii daayo ay dhaqdhaqaaqiisa la socdaan maamulka magaalada uu ku nool yahay. Waxaanu intaa ku daray in Maxamed Nuur intii uu ku jiray xabsiga gobolka North Dakota aanu ku kicin falal ashax xumo ah. Gobolka Minnesota ayaa sharciyadiisu waxay fasaxayaan in maxbuuska hab dhaqan fiican muujiya inta uu xabsiga ku jiro lagu hayo mudada xadhigiisa saddex meeloodow laba inta hadhayna dibadda  ku qaadanaya oo lala socon doono. Maxamed Nuur ayaa waxay boolisku habdhaqankiisa la socon doonaan ilaa 24 January ee sannadka 2024. Gabadhii ku baxday gacanta Maxamed Nuur hooyadeed oo warbaahinta la hadashay ayaa iyada oo ka falcelinaysa sii daynta maxbuuskaas waxay tiri. “Aad baan uga xunnahay arintaas, aad baanu ula fajacsannahay in eeddii laga daayey waxa se nagaga sii daran hab dhaqanka booliska Minneapolis.” Waxa la rumaysnaa in Maxamed Nuur yahay askarigii ugu horreeyey ee booliska gobolka Minneapolis ka tirsan ee lagu helo dembi ah in isaga oo shaqada ku jira uu qof toogasho ku dilay. Hase yeeshee ka dib waxa dhacday in askarigii kale ee dilay ninkii Marakanka madow ahaa ee George Flyod in isagana xabsiga loo taxaabay. Dilkeeda ayaa cambaarayn caalami ah dhaliyay. Ra'iisulwasaarihii Australia ee wakhtigaasna Malcolm Turnbull wuxuu sheegay in dilkaasi uu yahay ""mid aan u cuntamayn sida uu u dhacay"". Maxamed muxuu horay u sheegay? Nuur oo ka sheekaynaya sidii ay wax u dhaceen ayaa sheegay in uu rumaystay in ay halis ku soo wajahantahay markii uu maqlay dhawaq isla markaasna arkay Damond oo gacanteeda midig taagaysa. Maxamed ayaa sheegay in askari Matthew Harrity oo ay wada shaqaynayeen uu ku dhawaaqay """"Oh Jesus!"" uuna ku soo laabtay isaga oo buskooladdiisa la soo bixi raba ""cabsina ay wajigiisa ka muuqato"".\nMaxamed wuxuu sheegay in markii ay u caddaatay in uu toogtay qof aan hubaysnayn ay la noqototay in ay dunida uga dhammaatay. Dacwad oogeyaasha ayaa su'aal galiyay run ahaanshaha dhawaqa uu Maxamed sheegay in uu maqlay, iyaga oo tilmaamay in isaga iyo askarigii la hawlgalayay uusan midna markii hore xusin wax dhawaaq ah oo ay ka maqleen goobta uu dilku ka dhacay. Baaritaankii la sameeyay ayaa sidoo kale muujiyay in Damond aysan taaban gaariga askarta maadaama sawirka laga qaaday faraheeda aanan laga helin.\nGabadhan ayaa magaaladaas u tagtay si ay u guursato Don Damond oo ay wada socdeen." https://www.bbc.com/somali/articles/cv27kpl4gmjo +religion Waa maxay arrinta hadal heynta dhalisay ee Aadan Barre uu ka yiri xijaabka haweenka Muslimiinta Kenya? "Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa khudbad uu goob xaflad ah shalay ka jeediyay waxaa ka dhalatay hadal-hayn badan. Ducaale ayaa mar uu ka hadlayay xaflad tartan Qur'aan waxaa uu sheegay in ay tahay in gabdhaha Muslimiinta ah ay xirtaan xijaabka marka goobaha fagaarayaasha iyo meelaha kale ee la isugu yimaado ay joogaan. Qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ayaa arrintan si wayn wax uga qoray. Aadan Barre oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay mas'uuliyad ka saaran tahay in hablaha uu ku baraarujiyo xirashada xijaabka.""Maaddaama aan ahay nin Muslim ah oo ay mas'uuliyad wayn saaran tahay aniga waxaan la hadlayay umadda Muslimiinta waddankan, mas'uuliyad ayaa iga saaran, ayuu yiri Mr Ducaale,"" ""Muslimiinta ayaan la hadlayay haddana dowladdeenna Ilaahey aaminsan, waa dowlad rabto in diimaha dhammaan ay sharafto, waxay ila tahay ayaan dhahay in hooyooyinkeenna, gabdhaheenna , xaasaskeenna iyo walaalaheen ay xijaabka waqti kasta xirtaan sida ay diinteenna ogoshahay marka ay joogaan meelaha dadku isugu yimaadaan,"" ayuu intaa ku daray . Aadan Barre oo aan wax ka waydiinnay in hadalkiisan uu yahay amar ka soo baxay dowladda ama ay dowladda la qabto ayaa ku jawaabay ""maya maya arrinka anigaa iska leh, Aadan Barre, waxaan ahay nin siyaasi ah, waxaan ahay siyaasiga ugu sarreeya ee dowladda ugu jira Muslimiinta oona 20 sano xildhibaan ahaa, mas'uuliyad ayaa iga saaran in aan umadda u jiheeyo ku baraarujiyo xagga diinta"" Ducaale ayaa carrabka ku adkeeyay in qof kasta oo Muslim ah ay waajib ku tahay in gabadhiisa uu xijaabka u xiro. ""Qof kasta oo i dhageysanaya oo Soomaali ah ama Muslim ah oo waddanka Kenya joogo waxay mas'uuliyad ka saaran tahay in gabadhiisa marka ay shan jir gaarto uu ku billaabo inay xijaabka xirato,"" ayuu intaa ku daray. Wasiirka gaashaandhiga Adan Bare Ducaale ayaa dhanka kale sheegay in aysan masuuliyad ka saarnayn gabdhaha aan xiran xijaabka islamarkana aysan wax u dhimi doonin. ""Gabadhii xijaab xirato ayaan difaaceynaa, ayaan u duceynaynaa noo noqonaysa tusaale, middii xiran wayso mas'uuliyad nagama saarno, mana fiijineyno mana qabanayno, waddankama kama bixinayno,"" ayuu yiri. Waa kuma Aadan Barre Ducaale? Aadan bare Ducaale ayaa siyaasadda ku soo biiray sanaddii 2007-dii markaasi oo laga soo doortay magaalada Garissa, isaga oo ka tirsanaa xisbiga ODM. Aadan Bare ayaa tan iyo xilligaas waxay dadka deegaanka Garissa Township soo doorteen 4 jeer oo isku xigta. Waxaa uu sanadkii 2007 markii la soo doortay sidoo kale loo magacaabay wasiir ku xigeenka xannaanada xoolaha. Aadan Barre Ducaale oo waxaa uu sidoo kale muddo toddoba sano ah hayay xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya. Xilka xildhibaannimada Garissa ayuu iska casilay ka dib markii loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga ee dalka Kenya." https://www.bbc.com/somali/articles/c88185pyqweo +technology FBI-da oo baadhaysa email-o been ah oo laga diray kombuyuutaradeeda "FBI-da ayaa billowday baadhitaan kaddib markii kumannaan farriimo e-mail oo been abuur ah laga soo diray mid ka mid ah Server-yadooda, waxaanay fariimahaasi ka digayeen suurtagalnimada weerar internet-ka ah. Hay'adda ayaa sheegtay in dhacdadaas oo subaxnimadii Sabtida laga war helay ay qayb ka tahay ""xaalad socota"" laakiin ma ay bixin faahfaahin dheeraad ah. FBI-da Mareykanka oo yeelatay hoggaan cusub Trump oo amar ku bixiyay in la baaro garsoore faraxumayn lagu eedeeyay Farriimahaa la sheegay inay ka yimaaddeen waaxda amniga gudaha ee Maraykanka. Waxaana lagu sheegay in ay digniin ka bixinayaan khatar soo fool leh, waxaana cinwaan looga dhigay: ""Degdeg: Halista soo dhex gashay kombuyuutarrada."" E-mail-ladu waxay u sheegeen dadka loo diray in lagu beegsanayo ""weeraro casri ah oo xidhiidh ah"" oo ay soo qaadayaan koox dadka kombiyuutarada ka jabsada oo lacago baad ka ah qaata lana yidhaa Dark Overlord, sida lagu baahiyey website-ka la socda weerarada noocaas ah ee la yidhaa Spamhaus. ""Waxay abuurayaan khalkhal badan sababta oo ah Meesha laga soo diray waa serverrada FBI,"" ayaa Spamhaus ku sheegay barta ay ku leeyihiin Twitter-ka, iyag oo intaa ku daray in email daas aanay la socon magacyo shakhsiyaad ka shaqeeya xarunta laga soo diray. Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, in ka badan 100,000 email ayaa la diray. Warbixin ay Sabtidii soo saartay FBI-du waxay ku sheegtay inay ka warqabto dhacdado kale oo ah fariimo been abuur ah oo laga diray ciwaanka emailka ee @ic.fbi.gov Madaxa FBI 'ayaa laga yaabaa inuu jabiyay sharciga' FBI-da oo soo bandhigeysa magaca nin Sucuudi ah oo weerarkii 9/11 ku lug lahaa Hay'addu waxay sheegtay in qalabkii uu saameeyay si degdeg ah hawada looga saaray ka dib markii arrinta la ogaaday, waxayna uga digtay shacabka inay ""ka digtoonaadaan dadka soo diraya oo aan la garanayn"" iyo inay dawladda u soo sheegaan dhaqdhaqaaqyada ay ka shakiyaan." https://www.bbc.com/somali/59286123 +sports Toni Kroos & Pierre-Emerick Aubameyang oo muran adag uu dhex maray "Markii ugu horreysay laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee dalka Spain, Toni Kroos ayaa Pierre-Emerick Aubameyang ku dhaliilay waxa uu ugu yeeray dabaaldaggiisa gool ""ee micno darrada ah"". Kaddib waxaa soo jawaabay weeraryahanka kooxda Arsenal. Haddana waxaaba arrinta faraha lasoo galay Mesut Ozil. Sidan ayuu u dhacay murankii la isku weydaarsaday barta Twitter-ka. Ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Jarmalka, Kroos, ayaa horaantii isbuucan maagay Aubameyang iyo laacibka weerarka uga ciyaara Barcelona, Antoine Griezmann, kuwaasoo uu ku canbaareeyay dabaaldagga goolal ay dhaliyeen, oo u ekaa in laga soo shaqeeyay. Kroos, oo 30 jir ah, ayaa isagoo la hadlayay barnaamijka Einfach mal Luppen ee wargeyska Sport Bild, yidhi: ""Haddii la sameeyo qoob ka ciyaar lasoo diyaariyay ama loo soo tababartay, waxaan u arkaa nacasnimo. ""Aubameyang ayaa mar dabaaldag sameynayay wuxuuna lasoo baxay maaskaraati - halkaas ayaana aniga uga haray. ""Uma maleynayo in arrintaas ay tahay wax ku dayasho mudan. Waa micno darro."" Aubameyang, oo 31 jir ah ayaa dabeecad u leh inuu maaskarada wajiga xirto marka uu goolashiisa u damaashaadayo. Bishii March ee sanadkii 2019-kii, kaddib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Rennes oo ay isku arkeen ciyaar ka tirsaneyd tartanka Europa League, ayuu lasoo baxay maaskaro u eg tii lagu jilayay filimkii Black Panther. Sidoo kalem xilligii uu u ciyaarayay kooxda Borussia Dortmund, wuxuu xirtay maaskarooyin kala duwan oo ah kuwa ay adeegsadaan jilayaasha filimada loo yaqaanno superhero-ga, si uu ugu dabaal dago gool dhalintiisa. Noocyadii uu isticmaalay waxaa ka mid ah kuwa Batman iyo Spiderman. Kaddib markii uu dhaliishan jeediyay Kroos, ciyaartoyga qaranka Gabon wuu ka fal celiyay isaguna. Wuxuu soo qoray erayo uu fasirkooda afsoomaaliga ah noqonayo sidan: ""Sidey ahaataba, kan Tooni Kroos ah ma leeyahay carruur? Kaliya waxaan rabaa inaan xasuusiyo in wilkeyga dartiis aan dhowr jeer sidaas u sameeyay, waana u sameyn doonaa mar kale. Waxaan rajeynayaa inaad mar carruur yeelan doontid aadna ka farxin doontid sida ardaygaan. Hadal hana illoobin inaad maaskaro xirato, badbaado ku joog."" Kaddib waxaa usoo jawaabay Kroos. ""Kan Tooni Kroos ah wuxuu leeyahay 3 carruur ah,"" ayuu kusoo qoray Twitter-kiisa. Kaddib waxay hadalladaas horseedeen qoraalkan oo uu soo dhigay Aubameyang. ""U dira @ToniKroos hanbalyo ku saabsan 3-diisa carruurta ah."" Haddana, Ozil ayaa murankoodii soo dhex galay - isagoo difaacaya ciyaartoyga ay iskala tirsan yihiin Arsenal, kana soo horjeestay ciyaartoygii hore ee ay ka wada tirsanaayeen qaranka Jarmalka. Wuxuu soo qoray: ""Waa dabaaldaggii gool ee ugu wanaagsanaa"". Kaddibna waxaa u jawaabay Aubameyang. Annagu faraha lama galeyno dooddaas!" https://www.bbc.com/somali/war-54932935 +technology Maxaa Hindiya ku qasbaya horumarinta diyaaradaha drones-ka ee ay ku hawllan tahay? "Hindiya ayaa isku dayaysa in ay kordhiso awooddeeda ciidan iyada oo isticmaalaysa curintooda ku aaddan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno drone-ka, xilli ay adeegsanayso ikhtiraac gudaha ah iyo iibsi shisheeye, halka dhanka kalena weli ay taagan tahay xiisadda u dhexeysa iyaga, Shiinaha iyo Pakistan oo deris la ah. Bandhigii ugu dambeeyay ee tignolajiyadeed ee qalabkan, Machadka Cilmi-baadhista iyo Horumarinta Difaaca Hindiya (DRDO), ayaa soo bandhigay 'tiro badan oo Drone ah', bishii Noofambar 17. Kuwaas oo dhammaantood noocyada aan duuliyaha lahayn, waxayna gaadhayeen tiro gaareysa 25 xabbo. Sida laga soo xigtay Hindustan Times, abaabulkii ugu horreryay ee diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, waxaa sameeyay militariga Hindiya bishii Janaayo ee sanadkan. Ka dib 75 diyaaradood oo waddani ah, laguna sameeyey dalkaas ayaa isku mar la bilaabay tijaabintooda. Diyaaradahaan ayaa sidoo kale fuliyay howlgalo kala duwan oo ay ka mid yihiin weerarro. War qoraal ah oo lagu faafiyey Twitter-ka ka dib bandhiggoodii Noofambar 17, DRDO waxay ku sheegtay ""in ay ku shaqaynayaan tijnoljiyadda casriga ah, si ay kor ugu qaadaan awoodda ay leeyihiin ciidankooda millitariga."" Si kastaba ha ahaatee, xulafada ay Hindiya la samaysanaysy dalal ay ka mid yihiin Israa'iil iyo Maraykanka, sannadihii u dambeeyay, ayaa muujinaysa in Hindiya ujeedkeeda ugu weyni yahay helidda awooddii ay ku burburin lahayd cadawgeeda iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Marka la eego xaaladda amni ee deegaanka ka jirtay, sanadihii u dambeeyay, waxay sidoo kale noqdeen diyaaradahaas wax ay Hindiya si dhab ah ugu baahan taha. Xilli ay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, DRDO ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in weerarka ay ciidamada cirka Hindiya ka geysteen Pakistan, bishii Febraayo 2019, uu waxtar badan yeelan lahaa haddii sidoo kale la isticmaali lahaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. In muddo ah, Hindiya waxa ay isku dayaysay in ay u adeegsato weeraradeeda ay fuliyaan diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, marka laga soo tago kuwa sirdoon ee ay fuliyaan. Dhanka kale, casharradii laga bartay dagaalkii u dhexeeyay Azarbayjan iyo Armeniya ee sannadkii hore ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay baahida ay Hindiya u qabto aaladdan. Khubarada militeriga iyo kuwa difaaca ee caalamka ayaa isku raacay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay qeyb weyn ka ahaayeen guusha Asarbayjan ay ka gaadhay dagaalkaas. Warbaahinta dalka Hindiya ayaa ku warrantay dagaalkaas xilligii uu socday in hoggaanka ciidamada dalkaas ay isha ku hayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee la adeegsnayey, gaar ahaan Azarbijaan oo u isticmaalaysay si baaxad leh. Tirada ugu badan ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Asarbayjaan ayaa ku sugan Israa'iil iyo Turkiga. Hindiya waxay horey u isticmaashay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil iyada oo u adeegsanaysa hawlaheeda basaaska. Suxufiga iyo falanqeeyaha dhanka difaaca eeShekhar Gupta, ayaa maqaal uu soo saaray kaga digay in dalka ay dariska yihiin ee Pakistan, laga yaabo inay Turkiga ka iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan, maadaama hoggaanka siyaasadda ee labada dal uu aad ugu dhow yahay dalkaas. Sida ay sheegayaan wararku, bishii Ogosto ee sannadkan, shirkadda Hindiya ee DCM Shriram, ayaa boqolkiiba 30 ka heshay shirkadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee Zyron Dynamics. Wadashaqeynta labada shirkadood ee gaarka loo leeyahay ayaa la rumeysan yahay in ay dalacsiisay dowladda Hindiya, waxaana markii heshiiska lagu saxiixay Istanbul goobjoog ka ahaa safiirka Hindiya ee dalkaas Sanjay Panda. Waxaa sidoo kale lagu iftiimiyay warbixinnada warbaahinta in DCM Shriram iyo shirkadaha kale ee Zen Technology, ay ka faa'iideysan karaan siyaasadda cusub ee Drones-ka ee Dowladda Hindiya. Ujeedada siyaasadda cusub ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ah in Hindiya laga dhigo xudunta horumarinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn marka la gaadho 2030. Siyaasaddan, shirkadaha gaarka loo leeyahay waxaa la siin doonaa jawi ku habboon horumarinta iyo cilmi baadhista tignoolajiyada diyaaradahaas. Sanadihii la soo dhaafay, dowladda Hindiya waxay xoojisay dadaalkeeda ku aaddan abaabulka weerar gardaro ah oo lagu qaado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Predator iyo Reaper ee Mareykanka. Xaaladdan oo kale, Hindiya waxaa laga yaabaa inay hesho 20 nooc oo ah kuwa loo yaqaan Sky Guardian iyo 10 kale oo ah Sea Guardian, iyo weliba MQ-9 Reaper oo ka yimaadda dhanka Maraykanka. Waxaa la rumeysan yahay in Mareykanka uu Hindiya siin doono diyaaradahan aan duuliyaha lahayn, waxaana ku baxaya lacag lagu qiyaasay 3 bilyan oo dollar. Sida laga soo xigtay warbixin uu soo saaray Dainik Jagran, Hindiya ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay dalbato diyaaradahan, bisha December ee sannadkan. Dhanka kale, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday India Today, waxaa sidoo kale bilaabanaya hannaan lagu geynayo dalkeeda nooca loo yaqaan Heron drone oo ay sameeyaan Israa'iil." https://www.bbc.com/somali/war-59380119 +health Coronavirus: WHO oo ogolaatay tijaabada dawo-dhireedka Afrika "Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa aqbashay qaabka loo tijaabinayo dawa dhireedka Afrika ee lagula dagaallamayo fayraska korona. Sida sayniska uu yahay waa in lala qabsado aasaaska badqabka iyo waxtarka dawooyiinka dhaqanka, sida ay hay'adda sheegtay. Dawo kasta oo dhaqan ah oo la caddeeyo in ay waxtar leedahay, waxay noqoneysaa mid si degdeg ah loo soo saaro, looguna adeegsado daweynta ama ka hortagga coronavirus. Madaxweynaha dalka Madagascar ayaa horey u buunbuuniyay dawo dhaqameed aan tijaabo lagu sameyn. Wuxuu sheegay in fayraska ay dawo u tahay in kastoo WHO ay diidaneyd in la isticmaalo wax aan la tijaabin. WHO waxay sheegtay in qaababka cusub ee tijaabada ay tahay arrin lagu dhiiragelinayo saynisyahannada Afrika si ay tijaabo waxtar leh ugu sameeyaa dawada. Tallaabadan waxay ku soo aadeysaa xilli kiisaska coronavirus ee caalamka ay dhaafeen 30 milyan, iyadoo daafaha caalamka ay ugu dhinteen in ka badan 957,000 oo qof. Illaa 1.3 milyan oo kiis ayaa Afrika laga soo sheegay, waxaana ku dhimatay 33,000. Qiyaas ahaan, 140 nooc oo tallaal oo loo diyaarinayo Covid-19 ayaa daafaha caalamka laga soo saaray, qaar ka mid ahna waxaa lagu sameeyay tijaabada bini-aadamka. Dadaalladaas oo dhan ka dib, waxaa si rasmi ah loo fasaxay in dawada dhaqanka Afrika ay gasho wejiga seddaxaad ee tijaabada. Guddi khubaro ah oo ay soo wada saareen WHO, Xarunta ka hortagga Cudurada ee Afrika iyo Midowga Afrika, ayaa isku raacay hannaanka ay u marayaan tijaabada. Wejiga seddaxaad ee tijaabada waxaa lagu eegaa badqabka iyo waxtarka dawada oo ay ka qeybgalayaan dad badan oo iskood isu soo saaray. ""In la raaco dikumiintiyo farsamo, waxay xaqiijineysaa in caalam ahaan ay noqoto mid la aqbali karo cadeynta waxtarka dawo-dhaqameedka si loogu daweeyo Covid-19, waxaana la soo saarayaa iyadoo la eegayo badqabka dadka lagu tijaabiyay,"" ayuu yiri Prof Motlalepula Gilbert Matsabisa, oo ah gudoomiyaha guddiga. ""Markii uu bilowday fayraska Covid-19, si la mid ah Ebola xilligii uu ka dillaacay Galbeedka Afrika, waxaa soo baxday in baahi wayn loo qabo in la helo hannaan caafimaad oo adag iyo dardargelinta cilmi-baarisyada iyo barnaamijyada horumarinta, sida dawooyiinka dhaqanka,"" Dr Prosper Tumusiime oo ka tirsan WHO ayaa sidaa ku sheegay warqoraal ah. Bishii April, madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, wuxuu billaabay cabitaan dabiici ah oo uu ku sheegay in uu ka hortagayo fayraska korona. Waxaa muddo seddax isbuuc ah lagu tijaabiyay 20 qof oo cabay. Mr Rajoelina ayaa dunida soo hordhigay dawadaas, in kastoo dalkaas laga soo sheegay in kabadan 15,925 iyo 216 dhimasho ah oo coronavirus uu sababay. Cabitaanka oo sidoo kale loo diray dalal dhowr oo Afrikaan ah, Waxaa soo saaray Machadka Cilmi-baarista caafimaad ee Madagascar. Waxay dawo-dhaqameedkan ka sameysan tahay dhirta loo garanayo artemisia - oo loo adeegsado daweynta cudurka malaariyada ama duumada - waxaa sidoo kale lagu daray dhir kale. Dr Tumusiime wuxuu sheegay in iyadoo la raacayo Shuruucda Tallaalka Afrika ee WHO, in hadda tijaabo caafimaad lagu sameynayo dawada gobolka lana qiimeyn doono, sidoo kalena lagu ansixin doono muddo 60 maalmood ka yar." https://www.bbc.com/somali/war-54232460 +politics Xiisadda Afghanistan: Heshiiska ay ciidamada Maraykanku ku baxeen "Ka bixitaankii ciidamada caalamiga ah, Taliban waxay isku fidisay dalka oo dhan, waxayna qabsadeen ku dhawaad magaalo kasta. Haddaba muxuu Mareykanku u oggolaaday inuu baxo 20 sano oo dagaal ah kadib? Sanadkii 2001, Nato ayaa ku qasabtay Taliban inay ka baxaan Kabul kadib weeraradii 9/11 ee New York iyo Washington. Hadana ku dhawaad labaatan sano ka dib, hoggaamiyeyaasha kooxda xagjirka ah ee Islaamiyiinta ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Afghanistan, iyaga oo si farxad leh sawirro iskaga soo qaaday madaxtooyada iyadoo ku dhawaad wadanka oo dhan ay gacanta ku hayaan. Waa kumaa madaxwaynaha ka baxsaday dalkiisa Afqaanistaan? Yaa hubka iyo lacagta siiya Taalibaan? Waxa ugu yaab badan ayaa ah inaysan ahayn guuldarro milateri oo masiibo ku ah Mareykanka iyo xulafadiisa Nato oo horseeday dib u soo noqoshadaas laakiin heshiis nabadeed oo si taxaddar leh looga wadahadlay ayaa keenay Waxaa keenay heshiiska oo uu saxiixay hal madaxweyne oo uu hirgaliyay kii isaga beddelay. Maalintii ka dambaysay markii ay burbureen daarihii mataanaha ayaa madaxweynihii Mareykanka George W Bush ballanqaaday ""dagaalkan wuxuu qaadan doonaa waqti iyo laakiin dulqaata waan guulaysan doonnaa"". Xaqiiqdii Mareykanku weligii kuma dhowaan inuu guul militari ka gaaro Taliban. In kasta oo kooxda oo ay ku abtirsadaan xagjiriinta Al-Qaacida ee mas'uul ka ahaa weeraradii 9/11 haddana si degdeg ah loogaga saaray magaalooyin awoodda Nato, waxay ku qaadatay dhowr sano in ay disb isu abaabulaan 2004 waxay bilawday kacdoon ka dhan ah ciidamada reer galbeedka iyo dowladda cusub ee Afghanistan. Iyada oo laga jawaabayo tirada sii kordhaysa ee weerarada ayaa madaxweynahii cusub ee Mareykanka, Barack Obama, wuxuu bilaabay sanadkii 2009 inuu aad u kordhiyay tirada ciidamada Nato ee dalka oo la gaadhsiiyey 140,000. Guulaha Mareykanka uu ka gaaray Soomaaliya balse uu Afghanistan kaga fashilmay Dhaqaalo intee dhan ayaa Maraykanka kaga baxay dagaalka Afghanistan? Tani waxay gacan ka geysatay in Taliban mar kale dib loo riixo laakiin saameyn yar oo aan mudadeedu dheerayn ayaya noqotay. Iyada oo iska horimaadku noqday dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka oo ay ku baxday lacag lagu qiyaasay 978 bilyan oo doolar iyo in ka badan 2,300 qof. In kasta oo tirada ciidamada Mareykanka ee la dilo sanadkiiba ay aad u yaraayeen kadib markii ay si rasmi ah ugu dhaqaaqeen tababarka iyo kaalmada taageerada 2014, Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay 2019 in ""in ka badan 45,000 oo ka tirsan ciidamada nabadgelyada Afghanistan ay ku nafwaayeen"" shantii sannadood ee hore. Isagoo wajahaya xaaladdan ayaa ninkii xilka kala wareegay Obama, Donald Trump, wuxuu bilaabay wadaxaajood sii xoogeysanaya oo uu Taliban la galay waxaanu saxeexay heshiis bishii Febraayo 2020. Waxay ahayd wax uu ku farxay inuu ka hadlo markii uu ku jiray diyaargarowga doorashada madaxtinimada ee sannadkaas. "" Waan kala soo baxaynaa Afghanistan ciidamadayada oo waa inaad taa fahantaa"" ayuu ka sheegay Axios news. ""Waxaan halkaas joognay 19 sano. Waan ka soo bixi doonnaa."" Mareykanka ayaa ogolaaday in ciidamadiisa ku hadhay Afghanistan laga soo saaro waxayna Talibanku sheegeen inaysan u oggolaan doonin Al-Qaacida ama koox kale oo xagjir ah inay ka hawlgalaan meelaha ay maamulaan. Waxa kale oo ay sheegtay in 5,000 oo maxaabiis Taliban ah lagu beddeli doono 1,000 maxaabiis ah oo ka tirsan ciidamada Afghanistan iyo in cunaqabataynta laga qaado kooxda xagjirka ah ee Islaamiyiinta ah. Heshiiska wuxuu toos u dhex maray Mareykanka iyo Taliban iyadoo qorshuhu ahaa in Taliban ay wadahadal la gasho dowladda Afghanistan ka dib si loo go'aamiyo qaabka iyo cidda xukumi doonta dalka mustaqbalka. Maxaa la isu barbar dhigay qabsashada Kabul iyo jabkii Maraykanka ee Vietnam? Ciidamada nabadgelyada Afghanistan - oo lagu tababaray lacag dhan 88.32 bilyan oo doolar askart tiradooda lagu sheegay ka badan 300,000 oo askari, ayaa la isla qaatay in ay ahaan doonaan kuwo ilaaliya xaaladda inta wadahadaladu socdaan. Madaxweyne Trump oo ku tilmaamay ""heshiis cajiib ah"" sida uu sheegay la taliyihiisii nabadgelyada qaranka ee xilligaas John Bolton wuxuu si cad u sheegay in qorshahaas ahaa ""fursad aad u wanaagsan"". Mareykanka ayaa markii ugu horreysay bilaabay inuu ciidamadiisa kala baxo, Trump ayaa wadahadallo fool-ka-fool ah oo u dhexeeya Taliban iyo dowladda Afghanistan bilaabay bishii Sebtember. In kasta oo aanu jirin horumar haddana kuwa ka soo horjeeda Taliban ayaa markaa lahaa waa in heshiiskaasni noqdaa mid aan horseedin musiibo. Bishii Juulaay ayaa afhayeen u hadlay Taliban sheegay ""in kasta oo aan ku leenahay goobta dagaalka awood haddana way naga go'antahay in aanu wadahadallada wixii ka soo baxa meel marinaa"". Madaxweynaha hadda ee Mareykanka Joe Biden - oo in kasta oo uu ku khilaafsanaa Trump siyaasad kasta oo kale - haddana wuxuu sii waday inuu fuliyo heshiiskii isaga ka horreeyay, Mareykanka ayaa markii ugu horreysay bilaabay inuu ciidamadiisa kala baxo, Trump ayaa wadahadallo fool-ka-fool ah oo u dhexeeya Taliban iyo dowladda Afghanistan bilaabay bishii Sebtember. In kasta oo aanu jirin horumar haddana kuwa ka soo horjeeda Taliban ayaa markaa lahaa waa in heshiiskaasni noqdaa mid aan horseedin musiibo. Bishii Juulaay ayaa afhayeen u hadlay Taliban sheegay ""in kasta oo aan ku leenahay goobta dagaalka awood haddana way naga go'antahay in aanu wadahadallada wixii ka soo baxa meel marinaa"". Madaxweynaha hadda ee Mareykanka Joe Biden - oo in kasta oo uu ku khilaafsanaa Trump siyaasad kasta oo kale - haddana wuxuu sii waday inuu fuliyo heshiiskii isaga ka horreeyay," https://www.bbc.com/somali/58252714 +politics Warqad ka timid Afrika: Sharciga wadada ee Gambia "Waa mid ka mid ah warqadihii xiriirka ahaa ee ka imanayay weriyayaasha Afrika, qoraaga ka soo jeeda Sierra Leonean-Gambian ee Ade Daramy, oo bilowgii sanadkan u guuray Gambia ayaa waxa uu adkaynayaa xariga kursiga. Markaad u guuraysid dal cusub, waa inaad dhowr arrimood ka fakartaa - oo waa inaad baratid luuqadda dadkaas ay ku hadlaan taas waxa ay mar walba kaa caawinaysaaa inaad meesha la qabsatid. Hasayeeshee haddii aad tahay darawal waa qasab inaad barataa ""habka gawaarida dalkaas loogu wado"". Kaddib lix bilood oo aan ku noolaa Gambia ayaa waxaan booqasho ku tagay UK markaas oo aan dareemay inay wax iga maqan yihiin haddana wixii ma soo haaban karin. Maalintii afraad unbaan maqlay hoon ""biiiib"" la yeerinaayo mar aan wadada dhinac marayay, markaas ayaan iri waaw war hoonkaas gaariga ayuu ahaa malaha wixii kaa maqnaa. Gambia heesaha marwalba way ka daaran yihiin oo afar ilbiriqsi haddii la waayo arrin kale ayaa loo qaadanayaa. Sida aad qiyaasi kartid, inaad si xiriir ah hoon u maqashid waxa ay taas muujinaysaa in qaar badan oo ka mid ah dadka Gambia ay aad u isticmaalaan hoonka. Waxaa ka mid ah in saaxiibadaa aad hoon ku salaantid, oo waxaad filaysaa in dad boqolaal ah ay ogaan doonaan inaad salaantay. Waxaase jira hoon loogu digayo dadka wadada goynaya oo aad malaha leedahay ""War hoy iska jir yuusan ku jiirin gaarigee."" Darawallada kale ayaa kaa caroonaya haddaad inta joogsatid wadada u bannaysid dadka lugaynaya si ay u gudbaan. Waa ay adag tahay inaad maqashid hoon si deggan loo yeerinaayo. Waan isku dayay, mase aanay uu suuragelin, inaad bal ogaado in ay tahay dambi lagugu ganaaxi karo haddii aad gaari kale fursad siisid si uu u maro. Waxaan uga socdaa in dhab ahaantii, inta badan darawaliinta ay doorbidayaan inay shil galaan intii gaari kale ay waddo siin lahaayeen oo uu gudbi lahaa. Taasna waa sababta aan u arkay shil ka dhacay meel u dhaw halka aan ku noolahay ee aan ka shaqeeyo. Haddii aad u safraysid Gambia, waa kuwan qaar ka mid ah arrimaha ay tahay inaad ka warhaysid: Intaas oo dhan kaddib, xusuusnow, markaad gaarigaaga ku dhacdid, in aad guriga kaga tagtid dhaqankaaga wanaagsan, waa sida uu qofwalba u muuqanaayo inuu sameynayo." https://www.bbc.com/somali/war-50991425 +religion "Haweenka Xijaaban ee Hindiya oo ay haysato ""Laba daran Mid dooro""" "Sidee loo sii wadaa waxbarashada oo fasalka loo fariistaa xilli ay cashirrada kula qaadanayaan dad ku dhawaaqaya erayo ay kaga soo horjeedaan xijaabka aad xirantahay ?Taasi waa su'aasha ay jawaabta u la'dahay Saima, oo iyadu dalbatay in loogu yeero magacaan oo aan keeda dhabta ahayn. Toddobaadkii hore, gabadhan oo 20-jir ah waxay ka mid ahayd dhowr dumar ah oo Muslimiin ah oo xijaaban, kuwaasoo muuqaalladooda baraha bulshada la soo dhigay iyadoo ay ku dibad baxayaan boqollaal arday Hinduus ah oo ka soo horjeeda xijaabka ay xiranyihiin haweenkan Muslimiinta ah ee Hindiya . Saima, oo ah haweeneyda kaliya ee Muslimad ah ee fasalkeeda, ayaa sheegtay inay ku aragtay dad badan oo ay isku fasal yihiin dibadbaxyadii lidiga ku ahaa xijaabkeeda. Xijaabka ayaa noqday qodob doodd adag ka abuuray gudaha dalka Hindiya. Dadka ka soo horjeeda ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyada ay ku diidanyihiin asaatamaha diinta ee dumarka Muslimiinta ah bishii hore kadib markii lix dhalinyaro ah oo dhigata kuliyad ay dowladdu maamusho oo ku taal degmada Udupi ee gobalka Karnataka ay sameeyeen dibadbax markaa oo gabdhaha Muslimiinta ah fasallada laga mabnuucay inay xirtaan qamaar iyo indho-shareer. Intaa kadib arrinta ayaa durbaba dhalisay kala qaybsanaan aradyada Hinduuga dhexdooda ah iyadoo dhinacyadu jeedinayeen hadallo kicin ah oo keeni karay rabshado horleh.Cabsi laga qabo in rabshado dhacaan darteed ayaa dowladdu waxay irdaha u laabtay iskuullada sare iyo kulliyadaha. Su'aasha taagan ayaase ah gabdhaha iyo haweenka Muslimiinta ah ee gobalka Karnataka ma u xiraan karaan xijaabka fasallada iyo kulliyadaha, waa arrin lagu wado in ay go'aan ka gaarto maxkamadda sare oo hadda dhageysanaysa kiis la xiriira arrintaan. Iyadoo la filayo in dhawaan ay aradyadu fasallada dib ugu laabtaan ayaa haddana waxaa caqabadi ay ka taagantahay sida ay isku fahmi doonaan kuwa isku fasallada ah iyo saaxiibbadood.""Waxaan ka walwalsanahay in tani ay si cad u abuuri doonto jawi naceyb ah fasalka dhexdiisa,"" ayay tiri Saima.""Waxaan bilaabi doonaa inaan dhahno waa Hinduu, waana sababta uu iigu soo horjeeday, waxayna u maleynayaan inay tahay Muslim, waana sababta ay aniga iga soo horjeedo."" yay hadalkeeda raacisay. Aakanksha Hanchinamath, ayaa ka mid ah aradyada ay isku fasalka yihiin Saima, waxaana toddobaadkii hore ay ka mid ahayd dadkii ka qayb qaadanayay bannaabaxyada. Mudaaharaadku wuxuu ka dhashay ""go'aan wadajir ah"" oo ay gaareen ardayda Hinduuga, ayay tiri Hanchinamath. Ma ahan markii ugu horeysay ee xijaabku uu mudaharaad ka dhaliyo gobolka Karnataka ee xeebta, halkaas oo ay ka jiraan kooxaha Hinduuga iyo Muslimiinta ee garabka midig tobanaan sano.Balse waagii hore arrimahan oo kale si degdeg ah ayaa loo xalin jiray, ayuu yiri Prof Phaniraj K, oo ka tirsan koox bulshada rayidka ah kuwaas oo si dhow ula socda dhacdooyinka ka dhacaya gobalka. Waxaa uu tilmaamay in mudaaharaad la mid ah kuwaan hadda dhacay oo ka dhacay Mangalore 15 sano ka hor, halkaas oo maamulka iskuullada iyo ardaydu ay kala aragti duwanaantoodii ku xalliyeen muddo shan maalmood gudahood ah. ""Dhacdooyinka goosgooska ah ee su'aalo weydiinta xijaabka iyo qamaarada madaxa lagu xirto ee gudaha xarumaha waxbarashada ayaa muddo socday laakiin waligood sidan uma qarxin,"" ayuu yiri mar kale Prof Phaniraj K,. Balse kororka kala qaybsanaanta ayaa horseeday xeerar kala duwan oo ku saabsan xijaabka kulliyadaha oo dhan. Iskuullo badan oo gaar loo leeyahay, sida midka Saima ay dhigto, waxay oggolaadeen xijaabka in fasallada lagu xirto. Iskuullada ay dowladdu maamusho ayaa iyaguna sannad walba dib u eegis ku sameeya shuruucda. Go'aannada ku saabsan direysku waxay u yaallaan guddiga horumarinta ee uu hoggaamiyo sharci-dejiyaha deegaanka. Arrinta waxaa uga sii daray oo baasiin ku sii shubay hadallada qaar ka mid ah siyaasiinta iyadoo mas'uuliyiinta xisbiga talada dalkaasi haya ee BJP uu ka codsaday ardayda Muslimiinta ah inay aadaan Pakistan haddii ay doonayaan inay xirtaan xijaab,hadalkaas oo si weyn u sii niyad jabiyay aradyada Muslimiinta ah gaarahaanna haweenka ayna ku tilmaameen inuu yahay hadal u dhigma ""labo daran mid dooro""." https://www.bbc.com/somali/war-60410346 +politics Muskan Khan: Gabadhii uu hoggaamiyaha Al-Qaacida soo amaanay aabeheed oo jawaab yaab leh bixiyay "Aabaha gabadhii uu cajaladda muuqaalka ah ee ammaanta ah usoo duubay hoggaamiyaha ururka al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri, ayaa jawaab ka bixiyay farriinta ku socotay gaabdhiisa Bibi Muskan Khan, sida ay tabiyeen warbaahinta ugu waaweyn dalka Hindiya, oo ay ka mid yihiin India Times iyo Hindustan Times. Maxamed Xuseen Khan, oo ah ninka gabadha dhalay, ayaa al-Qaacida ka codsaday in ay amaan siiyaan isaga iyo qoyskiisa. Jawaabtiisa oo hadalhayn aad u xooggan dhalisay ayaa noqotay mid ay aad ula yaabeen dad badan oo isticmaala baraha bulshada. Aaabahan ayaa farriinta uu al-Zawahiri usoo diray gabadhiisa ku tilmaamay arrin ""khalad"" ah. Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu Xuseen sheegay ""in qoyskiisa ay Hindiya dhexdeeda ugu nool yihiin si nabad ah, haddana aysan doonaynin in ""si aan loo baahnayn indhaha loogu soo jeediyo"". Mar su'aal laga waydiiyay sida uu u arko amaanta gabadhiisa loo jeediyay, ayuu yidhi: ""Dadku way dhihi karaan wixii ay rabaan, arrintan waxay noo keeneysaa dhibaato ku timid si aan loo baahnayn. Waddankenena si nabad ah ayaan ugu nool nahay, ma rabno inuu annaga naga soo hadlo, wax xiriir ahna nagama dhaxeeyo. Waa isku day lagu doonayo in midnimadeenna lagu dhaawaco."" Waxa uu hoosta ka xariiqay in muuqaalka kasoo baxay al-Qaacida uu wax u dhimayo amniga qoyskiisa, waxa uuna sheegay in booliska iyo dowladda gobolka ay billaabi karaan baadhitaan ku saabsan xaqiiqada dhabta ah ee jirta. ""Waxba kama ogin muuqaalkaas, ma garanayno qofka kasoo muuqday cajaladda. Maanta ayaan wajigiisa arkay markii ugu horraysay. Wuxuu sheegay hadallo afcarabi ah... annagu halkan ayaan ku nool nahay dhammaanteen, walaalo ayaana nahay,"" ayuu yidhi Maxamed Xuseen Khan oo la hadlayay wariyeyaasha. Ayman al-Zawahiri oo muddo dheer aan laga warhaynin, dadka qaarna ay u haysteen inuu geeriyooday ayaa isbuucan si lama filaan ah muuqaal amaan ah ugu soo diray Muskan Khan, oo ah ardayad Hindi ah oo kasoo jeedda gobolka Karnataka. Waxa uu ku bogaadiyay ficilkeedii caanka noqday ee ay ku wajahday dad ku mudaharaadayay Xijaabkeeda, iyadoo laga soo duubay muuqaal ay koox rag ah ku cabsi galinayeen. Muskan ayaa raggii ku soo xoomay ku qaylisay iyadoo dhahaysa ""Allahu Akbar"". Hoggaamiyaha al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri, ayaa arrintaas ay Muskan samaysay la dhacay, waxa uuna sheegay in ay tahay ""haweeney sharaf leh"". Cajaladda uu soo diray Zawahiri, ayaa ciwaan looga dhigay oraah micnaheedu yahay ""Gabadha Sharafta leh ee Reer Hindiya"". Ayman al-Zawahiri ayaa muuqaalkan xushmad weyn ugu muujiyay heerka Muslimnimada ee Muskan Khan. Sanadkii 2020-kii waxaa soo shaac baxay warar sheegayay in hoggaamiyaha al-Qaacida, Ayman Al-Zawahiri uu u geeriyooday xanuun uu muddo la il darnaa. Hase yeeshee muuqaalka cusub ee ay sii daysay shabakadda ayaa lasoo saaray 5-tii bishan April, waxaana lagu arkayaa Ayman al-Zawahiri oo isagoo la maqli karo ka hadlaya arrin dhacday 8-dii bishii February ee sanadkan 2022-ka. Dr. Ayman al-Zawahiri ayaa muddo dheer soo ahaa ku xigeenka Usama Bin Laadin, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambaysay weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii bishii September ee sanadkii 2001-dii (oo loo yaqaanno weerarradii 9/11)." https://www.bbc.com/somali/war-61025805 +sports Maxay ku muteysatay Qorsho Xasan inay noqoto macallinka ugu wanaagsan Minnesota? "Qorsho Xasan oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka ayaa ku guulaysatay abaalmarinta maclinka sanadka ee magaalada Minnesota . Qorsho oo Macllimad ka ah iskuulka hoose ee Gideon Pond ayaa waxaa lag soo dhex xulay 134 maclin oo u tartamayay maclinka sanadka ee magaaalada Minnesota . Qorsho Xasan oo BBC uga warantay guusha ay gaartay ayaa waxay sheegtya inay ku faraxsan tahay inay noqoto macallinka sanadka ee magaalada Minnesota. "" Waxaan ku faraxsanahay inaan noqdo Minnesota macallinka ugu wanaagsan,"" ayay tiri. Qorsho Xasan aya sheegtay xilligii caruurnimadeeda aysan jeclaan jirin xirfadda maclinnimada xilligaasina ay ku adkeyd waxbarshada. ""Markaan yaraa macllinnimada ma aanan jeclayn, waxbarshada way igu adkeyd maadaama aan Ingriis baranayay,"" ayay tiri Mrs Qorshe. Waxay intaa ku dartay in xilligii ay iskuulka dhiganaysay ay la soo kulantay caqabado badan oo ay ka mid tahay in aysan gacan ka heli jirin maclimiinta oo ay sheegtay inay u arkayeen in aysan la dhaqan ahayn. ""Ma arkin macaallin aniga ii eg oo i soo saara, macallimiin badan oo caddaan ah ayaan arkayay oo wali si kale iila dhaqmi jiray maadaama ay ii arkayeen inaan xijaab xiranahay,"" ayay tiri Qorsho Xasan ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay loo soo xulay inay ka qeybgasho tartanka macallinka ugu wanaagsan sanadka ee magaaalada Minnesota. Waxay intaa ku dartay in maamulka iskuulka ay macallinka ka tahay ay u arkayeen inay tahay qof isbadal sameyn kara. Qorsho Xasan ayaa xustay in ay muujisay karti islamarkana loo arkayay qof ay u siman yihiin caruurta kala duwan ee iskuulka. "" Sanadkii la soo dhaafay waxaa la ii soo xushay macallinka ugu wanaagsan sanadka ee Magaalada Minnesota,macllimiinta aan la shaqeeyo iyo maamulaha iskuulka Gideon Pond ayaa waxay ii arkeen macalin soo saarta ilmaha oo dhan oo aan gooni u ahayn ilmaha Soomaaliyeed, waxayna ii arkeen macallin wax badali karta,"" ayay tiri Qorsho Xasan. ""Guusha Soomaali oo dhan ayaa heshay"" Qorsho Xasan maclimadda sanadka ee magaalada Magaalada Minnesota ayaa waxay sheegtay inay ahayd mid aysan filanayn inay ku guulaysato macallinka sanadka. Waxay intaa ku dartay in marka la eego da'deeda ay ahayd guushan mid lama filaan ah. ""Isma lahayn inaan noqnayo macalinka ugu wanaagsan ee Magaalada Minnesota, sababtoo ah waan da'a yarahay,"" Qorsho ayaa farta ku fiiqday in guusha ay gaartay ay tahay mid u soo hoyatay dhammaan Soomaalida. ""Maadaama aan hadda helay waan ku farxay, waxaan is dhahay guushan Soomaali oo dhan ayaa heshay"" ayay tiri. Qorsho xasan ayaa waxay ku dhalatay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada New Orleans ee gobolka Louisiana islamarkana halkaas ayay ku barbaartay. Waxbarashadeedii iskuulka waxay ku soo qaadatay gobolada Atalanta Georgia iyo Ohio. Qorsho xasan ayaa markii ay dugsiga sare dhameysay ku biirtay jaamacadda Ohio State University oo ay ka baratay culuumta arrimaha bulshada. Abaalmarinta macalinka ugu wanaagsan sanadka ee Magaalada Minnesota ayaa ah mid sanadle ah islamarkana waxaa bixiya xafiiska waxbarshada ee Minnesota Qorsho Xasan ayaa noqonaysa qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo ku guulaysta abaalmarinta macalinka ugu wanaagsan sanadka ee Magaalada Minnesota." https://www.bbc.com/somali/war-53714904 +politics Mudaharadayaal lagu laayay dalka Hindiya "Ugu yaraan 6 qof ayaa lagu dilay waqooyiga dalka Hindiya iyada oo ay weli halkoodi ka sii socdaan mudaharaadyada looga soo horjeedo sharciga muranka badan uu ka dhashay ee muwaadinimada ee ay soo saartay dowladda Hindiya. Taliyaha booliska Uttar Paradesh OP Singh wuxuu wakaladda wararka ee Reuters uu u sheegay iney 32 qof oo kale ay iska horimaadyadaasi ku dhaawacmeen. Inta ay rabshdaha salka ku haya sharciga faquuqaya muslimiinta ee ay dowladda Hindiya meel marisay socden waxaa ku dhintay 13 qof. Mudaharaadayaashana waxay halkooda ka sii wadaan dibadbaxyadooda iyada oo ay boolisku sheegeen in la mamnuucay dibadbaxya in waddooyinka laga sameeyo. Xirfadlayaasha caafimaadka iyo qaar ka mid ah booliska oo wakaaladda wararka ee AFP u warramay waxay sheegeen dadka rabshadahaasi ku dhintay 5 ka mid ah iney ku dhinteen gobolka Uttar Paradesh Jimcihi ayna u dhinteen rasaas ay ciidamada booliska ku soo rideen. Hase yeeshee, taliyaha booliska gobolkaasi Mr Singh ayaa diiday mudaharaadayaasha Jimcaha dhintay iney u geeriyoodeen rasaas ay ciidamadiisa ku soo rideen. Waxayna warbaahinta maxalliga ay sheegen iney rabshada cusub ay Jimcihi ka dhaceen 10 degmo oo ka tirsan Uttar Paradesh Jimcaha ayay ahayd maalinti ay mudaharaadyada ugu ballaadhan ka dhaceen magaalada Delhi, iyaada oo kumannaan shacab ah ay bannaanka masaajidka qadiimka ee Hindiya Jama Masjid ee ay isugu yimaaddeen. Dad goob joogayaal ah oo u warramay wakaalada wararka ee AFP waxay sheegeen iney arkeen mudaharaadayaal badan oo madaxa ka dhiigayo nabarra soo gaaray awgood. Wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegtay iney mudaharaadayaasha gawaari dab qabadiisyeen booliskuna ay adeegsadeen biyaha xoogga badan oo rabshadaha lagu kala eryo. Dowladda Hindiya oo isku dayeysa iney rabshadahaasi xakameyso ayaan ku guuleysan iyada oo ay mudaharaadyada sharciga cusub looga soo horjeedo ay socdaan toddobaadki labaad. Waxayna dowladda Hindiya gobollada qaar ay ka jartay adeegga Interneetka. Dadka cusub ee la laayey ayaa imanaya maalin un kadib marki khamiisti 3 qof la dilay kumannaan qof oo mudaharaadayaasha ka mid ahna xabsiga loo taxaabay. Sharcigan cusub ee muranka dhaliyey ayaa ah sharciga dib loo habeeyey ee muwaaddinimada (CAA) sharciga oo la sheegay inuu meel kaga dhacayo dastuurka dalka. Sharciga oo horraanti bishan la meel mariyey, ayaa dadka aan muslimka ahayn xaq u siinaya iney xuquuqda muwaaddinimo helaan gaar ahaanna qoxootiga sharci darrada ah ee ka soo jeeda waddamada Pakistan, Bangladesh iyo Afghanistan. Dowladda dhexe ee dalka Hindiya waxay sheegtay sharciga inuu yahay mid dhawraya dadyowga diimaha kala duwan aamisnan ee laga tirada badan yahay, balse go'aanka dowladda waxaa ka dhashay cambaareyn iyo caro uga timid xisbiyada mucaaradka iyo hay'adaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha. Waxaa sida oo kale sharciga looga soo horjeestay maadaamaa uu yahay sharci shacab ka badan 1.7 milyan oo ku nool gobolka Assam oo dal la'aan dhigayo uuna ku qasbayo xerooyinka qoxootiga iney ku sii sugnaadaan. Dadka mudaharaadaya gaar ahaanna muslimiinta sharcigan uu muwaaddinimada u diidayo ee ka soo jeedo seddexda dal ee kala aha Pakistan, Afganistan iyo BAngladesh waxay ka cabsi qabaan iney dal la'aan ku soo dhacan. Balse Ra'isal wasaaraha Hindiya Narendra Modi wuxuu sheegay ""sharcigan inuu wax saameyn ah uu u geysaneyn muwaaddiniinta Hindiya oo ay ka mid yihiin Hinduuga, Muslimiinta, Sikh, Jain, Kirishtanka iyo Budshist."" Wuxuu sda oo kale mucaaradka uu ku eedeeyey mudaharaadyada iney iyagu ka dambeeyaan ""ayna wadaan warar been ah oo aan raad lahayn"" si ay rabshadaha iyo mudaharaadyada halkooda uag sii socdan." https://www.bbc.com/somali/war-50876220 +entertainment Amitabh Bachchan: Muxuu 'Cali Dheere' filimadiisa ugu keydinayaan qol qabow? "Muddo tobanaan sano ah, Amitabh Bachchan waxa uu 60 ka mid ah filimadiisa ku keydiyey qol qaboojiye leh oo ku yaal bungalowgiisa galbeedka magaalada Mumbai. Shan sano ka hor, xidigga Bollywood-ka ayaa daabacadaha ku wareejiyay keydka filimka heer kulka laga hago oo ay maamusho hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo ka dhisan magaalada, taasoo bilowwday soo celinta iyo keydinta filimada Hindida. Waxaa hogaaminaya Shivendra Singh Dungarpur, oo ah filim sameeye abaalmarin ku guuleystay iyo kaydiyayaal ayaa safka hore uga jiray dadaaladaas. Waxay ""dhistay sumcad caalami ah oo heer sare ah"", sida uu sheegay agaasime Christopher Nolan, Bachchan-na waa safiirkeeda caanka ah. Muddo sanado ah wuxuu si hagar la'aan ah ugu doodayay si firfircoonna uga caawinayay isku dayga inuu ilaaliyo dhaxalka filimka sida dhaqsaha badan u baaba'ya ee Hindiya. Jimcihii Jilaagan oo 78 jir ah ayaa la siiyay abaalmarinta sannadkan ee International Federation of Filim Archives. Nolan iyo filim sameeye kale Martin Scorsese ayaa bixiyay abaalmarinta. Bachchan, Dungarpur wuxuu leeyahay, ""had iyo jeer si qoto dheer ayaa loo maal galiyay"" fikrada ah in la ilaaliyo lana xafido shineemooyinka. Intii ay wada sheekaysanayeen, xiddigu mar ayuu ka murugooday xaqiiqda ah inuusan daawan karin qaar ka mid ah filimadii hore ee aflaamta Dilip Kumar maxaa yeelay ""si fudud ayaa loo lumayay"" Hindiya waxay leedahay 10 shirkadood oo waaweyn ee filimada - oo ay ka mid tahay Bollywood, oo ah tan adduunka ugu weyn - waxayna soo saaraan ku dhowaad 2,000 oo filim sanadkiiba oo ku soo baxa illaa 36 luqadood. Laakiin waxay leedahay kaliya labo goobood oo lagu keydiyo filimada - mid dawladdu maamusho oo ku yaal galbeedka magaalada Pune iyo mid aan faa'iido-doon ahayn oo ay maamusho Dungarpur. Layaab malahan in inbadan oo kamid ah dhaxalka aflaanta indha sarcaadka ah ee Hindiya ay lumeen ama waxyeelloobeen sababtoo lagama taxadarin bad-qabkooda. Hadal heynta ugu horeysa India ee filimkii Alam Ara ee la sameeyay (1931) iyo filimkeedii ugu horeeyay ee midab maxali ah lagu sameeyo ee Kisan Kanya ee (1937) lama heli karo hadda. Muuqaaladii asalka ahaa ee documentary-ga ahaa ee halyeeyada xoriyada Lakhshmi Sahgal ee ay sameeyeen Sai Paranjpye (1977) iyo Shyam Benegal Bharat Ek Khoj (1988) iyagana lama hayol. Sannadkii 2003, in ka badan 600 oo filim ayaa lagu soo warramey in ay waxyeello ka soo gaadhay dab ka kacay kaydka dawladdu maamusho - kuwaas oo ay ka mid ahaayeen daabacaadyo asal ah oo ka mid ah filimadii ugu dambeeyay ee jiray 1913-kii, Raja Harishchandra. ""Waa inaad ixtiraamtaa wixii aad soo martay. Si aad u ixtiraamto waagii hore waxaad u baahan tahay inaad ilaaliso oo aad soo celiso filimadaadii,"" ayuu yidhi agaasime Gautam Ghosh. Lixdii sano ee la soo dhaafay, Dungarpur iyo macalimiin ka kooban khubaro ka socota kaydka filimka hogaaminaya iyo matxafyada adduunka oo dhan waxay ku qabteen aqoon isweydaarsiyo Hindiya oo dhan waxayna ku tababareen in ka badan 300 oo qof oo shaqeysa soo celinta iyo ilaalinta filimka. Xarunta waxay soo aruurisay oo ilaalisay in kabadan 500 oo filim oo ay jileen filim sameeyayaasha ugu sareeya Hindida. Bachchan wuxuu had iyo jeer kahadlaa baahida loo qabo in uu masuul ka noqdo dhaxalka filimada burbursan ee India. Laba sano ka hor, xaflad caalami ah oo lagu qabtay Kolkta, wuxuu ka yiri: ""Jiilkeennu wuxuu aqoonsan yahay waxtarka weyn ee ay leeyihiin halyeeyada shineemooyinka Hindida, laakiin nasiib darro filimadooda badankood waa ay gubteen qaarna waxaa lagu tuuray qashinka"". ""Waxyaabo aad u yar oo ka mid ah dhaxalka filimkeena ayaa badbaadaya hadaanan qaadin tillaabooyin deg deg ah si aan u badbaadinno waxa hadhay." https://www.bbc.com/somali/war-56472105 +religion """Ma doonayno in dumarkeena ay dhallaan ilmo muslimiin ah""" "Wararka ayaa sheegaya in haweeney Hindu ah si qasab ah looga soo waday ninkeeda oo Muslim an isla markaana laga yaabo inay ilmo ka soo dilmeen, arrintaas oo tooshka ku ifisay kala qeybsanaanta ka dhalatay sharciga ka jira Hindiya ee mamnuuca in qofka diintiisa laga beddelo. Horraantii bishan, muuqaal arrintan ku saabsan ayaa aad la iskula dhex marayay gudaha Hindiya. Muuqaalka ayaa muujinaya koox rag ah, oo masarro oronji ah qoorta ku duubtay, oo qadaanqadinaya haweeney gudaha magaalada Moradabad ee gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Uttar Pradesh. ""Dadka adiga oo kale ah ayaa sababtooda loo soo saaray sharcigan,"" mid ka mid ah ragga ayaa sidaa ku canaananaya. Raggan ayaa ka tirsan Bajrang Dal, oo ah koox Hindu mayal adag oo taageera xisbiga Ra`iisul Wasaare Narendra Modi ee Bharatiya Janata Party (BJP). Sharciga ay ka hadlayaan waa mamnuucidda in qofka si aan sharci ahayn looga beddelo diinta kaas oo gobolku uu dhowaan dhaqan geliyay iyadoo lagu beegsanayo ""jihaadka jaceylka"" - oo ah eray Islaam nacaybnimo ay ku dheehan tahay oo ay kooxaha xagjirka ah ee Hinduuga ula jeedaan in ragga Muslimiinta ay gabdhaha Hinduuga ah muslimiyaan iyagoo guursanaya. Dhacdada muuqaalka ayaa dhacday 5-tii December. Kooxda Bajrang Dal ayaa haweeneyda 22 jirka ah, ninkeeda iyo walaalkiis u gacan geliyay booliiska, oo kaddib u diray gabadha xarun ay dowladdu maamusho isla markaana xiray nimankii la socday. Maalmo kaddib, haweeneyda, oo uur toddoba isbuuc ah lahayd, ayaa sheegtay inay ilmaha ka soo dilmeen intii ay xabsiga ku jirtay. Horraantii toddobaadkan, maxkamad ayaa u oggolaatay inay ku laabato guriga ninkeeda kaddib markii ay maxkamadda u sheegtay inay tahay qof qaan gaar ah ayna ninka Muslimka ah ku guursatay dookheeda. Ninkeeda iyo dumaashigeed ayaa weli xabsi ku jira. Wareysiyo lala yeeshay Isniintii, ayaa waxay shaqaalaha xarunta ku eedeysay inay si xun ula dhaqmeen iyo intii cabashooyinkeedii hore ee ahaa inay xanuun ka dareemeyso caloosha la iska indho tiray. Xarunta ayaa beenisay eedeymaha. ""Markii ay xaaladdeyda ka sii dartay, isbitaal ayay ii qaadeen [11-kii December]. Markii dhiig la iga qaaday, isbitaalka la i seexiyay cirbado ayaana la igu duray, kaddib waan dhiig baxay."" Labo maalin kaddib, waxay sheegtay, in la siiyay cirbado badan. Dhiigbaxa ayaa ku sii siyaaday caafimaadkeeda ayaana ka sii daray, taas oo sababtay inay ilmuhu ka soo dilmaan, sida ay sheegtay. Inay taasi run tahay iyo waxa xaqiiqdii ka dhacay isbitaalka weli ma cadda. Subixii Isniinta, intii ay weli xirneyd, maamulka gobolka ayaa beeniyay warar ku saabsan inay ilmuhu ka soo dilmeen. Wararka ayaa ku saleysnaa wareysiyo lala yeeshay soddohdeed. Guddoomiyaha Guddiga Dhowridda Carruurta, Vishesh Gupta, ayaa beeniyay dhammaan wararka sheegaya dilanka isagoo sheegay ""in cunuggu uu badqabo"". Dhaqtar arrimaha haweenka ah oo ku sugan isbitaalkii lagu daweynayay ayaa weriyeyaasha u sheegay in ""uurka toddobada isbuuc ah keliya laga arki karo raajada"". Si kastaba, dhaqtarku wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameeyo xubinta taranka keliya lagu ogaan karo in ilmuhu badqabaan iyo in kale. Balse maamulka isbitaalka weli wax jawaab ah kama bixin eedeymaha ay jeedisay tan iyo intii la sii daayay. Sidoo kale ma aysan siin jawaabta baaritaankeedii raajada amaba faahfaahin la xiriira dawooyinka lagu muday. Sidaas darteed, sham maalmood kaddib markii ugu horreysay ee isbitaalka loo qaaday, weli ma caddeyn xaaladda ilmaha, taas oo dhalisay su`aalo iyo shaki. Balse wararka ayaa sheegaya in arrinta ah in laga yaabo in haweeneyda dhalinyarada ah ay ilmuhu ka soo dilmeen ay caro ka abuurtay baraha bulshada Hindiya, iyadoo dad badan ay maamulka ku eedeynayaan arrintaas. Gudaha Hindiya, guurka dhex mara dadka heysta diimaha kala duwan ayaa laga soo horjeeday in muddo ah, iyadoo qoysasku ay aalaaba diidaan. Balse sharciga cusub, oo sheegaya in qof walba oo doonaya inuu diintiisa beddelo ay waajib ku tahay inuu oggolaasho ka helo maamulka degmada, ayaa gobolka siinaya awood ka dhan ah xaqa ay muwaadiniintu u leeyihiin inay wax jeclaadaan oo ay doortaan lammaane. Wuxuu sharcigu dhigayaa in ilaa 10 sano oo xabsi ah lagu xukumi doono qofkii u hoggaansami waaya. Ugu yaraan afar gobol oo kale oo uu xukumo xisbiga BJP ayaa soo saaraya shuruuc la mid ah kuwaas oo ka dhan ah ""jihaadka jaceylka"". Dadka arrintan ka soo horjeeda ayaa sharciga ugu yeeray mid aan habbooneyn waxayna sheegeen in loo adeegsan karo aalad ka dhan ah lammaaneyaasha kala diinta ah, gaar ahaan haweenka Hinduuga iyo ragga Muslimiinta ah. Rcfaan ka dhan ah sharciga ayaa loo gudbiyay Maxkamadda ugu Sarreysa, kaas oo lagu dalbanayo in meesha laga saaro. Tan iyo intii sharciga la meel mariyay 29-kii November, kiisas dhowr ah ayaa la diwaan geliyay oo ku saabsan sharcigan lagu muransan yahay. Aroosyada ku saabsan lammaanayaasha kala diinta ah, ee dhex mara dadka qaan gaarka ah oo ay qaarkood xitaa ansixiyeen waaliddiinta ayaa la laalay iyadoo caruusyada Muslimiinta ahna la xiray. Haweeneyda 22 jirka ah ayaa sheegtay inay Islaamtay ayna bishii July ninka Muslimka ah isku guursadeen Dehradun, oo ah magaalo u dhow gobolka Uttarakhand. Markii ay yimaadeen magaalada Moradabad ayaa loo sheegay inay diwaan geliyaan guurkooda. ""Dhibaatada ugu weyn ee sharciga waa in jaceylka dadka kala diinta ah uu u arko howl dembi ah,"" ayay tiri Charu Gupta oo ah khabiir dhanka taariikhda. ""Wuxuu sidoo kale diidayaa in la rumeysto in haweeney ay wax dooran karto, wuxuu burinayaa ikhtiyaarkeeda. Sow haweeneyda dookheeda maaha inay guursato cidda ay doonto? Xitaa haddii ay dooneyso inay diin kale qaadato, maxaa dhib ah oo ku jira?" https://www.bbc.com/somali/war-55345575 +technology Sawir dhaqaajiyay quluubta malaayiin qof oo isbadel horseeday "Sawirka ilma yar oo shan sano jir ah kuna nool Magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya ayaa taabtay quluubta malaayin qof oo ku nool dalka Hindiya, kadib markii sawirka ay ka soo muuqatay gabar yar oo wadata baaquli, si qooraansi ahna u fiirineysa arday waxbaraneysa. Sawirkan ayaa qabsaday baraha bulshada ee dalka Hindiya, waxaana qof walba uu u fasirtay in gabadhaas, iska daa in ay waxbarasho hesho, ay la'dahay wax ay cunto. Arrintan ayaa waxaa aad uga damqaday dad badan oo sheegay in ay ka seexan waayeen sawirka gabadha yar, waxaana qoyska ay ka dhalatay gabadah iyo xaaladda ay ku sugan yihiin ka war doonay weriyaha BBC-da ee laanta Telugu, Deepthi Bathini. Sawirkan ayaa inta aanan la soo dhigin baraha bulshada waxaa daabacay wargeyska Telugu newspaper, waxaana uu ciwaan uga dhigay ""baahida dareenka leh"". Dad badan oo ay ka mid yihiin kooxaha u ololeeya xuquuqda caruurta ayaa markii ay warbixintan ku arkeen wargeyska ka damqaday, waxaana qaar badan oo ka mid ah ay soo dhigeen akoonada ay ku leeyihiin baraha bulshada, taas oo keentay in la is weydiiyo xaaladda ay ku sugan tahay gabadhaas yar. Kooxaha u ololeeya xuquuqda caruurta ayaa ku andacooday in gabdhaas yar loo diiday in ay hesho waxbarasho iyo raashin bilaash ah. Aabaha dhalay gabadhan oo lagu magacaabo Lakshman, ayaa markii uu arkay sawirka gabadhiisa oo aad loo hadal hayo waxaa uu sheegay in taas ay cadaalad darro ku tahay isaga iyo xaaskiisa Yashoda. Wuxuu sheegay in labadooduba ay shaqeyaan, wax kalena aysan qabanin balse ay ka fikiraan mustaqbalka gabadhooda. Aabaha dhalay gabadha ayaa u muuqday qof dhibsaday sawirka laga faafiyay gabadhiisa. ""Aad ayaa uga xumaaday markii aan arkay sawirka, oo waxaan marwalba u shaqeeyo waa iyada, sawirka in laga dhigo in gabadheyda ay baahan tahay oo kale waa khalad"", ayuu yiri aabaheed oo la hadlayay BBC-da. Mr Lakshman waxaa kale oo uu sheegay in uu sugayay inta gabadhiisa ay ka gaareyso da'da waxbarashada, wuxuu intaa raaciyay in gabadhiisa loo ekeesiyay oo kale ilma agoon ah oo an heysanin wax ay cunto. Divya iyo waalidkeeda waxaa ay ku nool yihiin hal qol oo ku yaala xaafad isku raran ah oo ku taala Magaalada Hyderabad, halkaas oo aan ka fogeyn iskoolka lagu arkay Divya. Waalidiinta gabadhan ayaa sheegay in ay shaqeyaan oo bishii ay helaan lacag dhan 140 doolar, lacagtaas oo dhanna ay ku maareeyaan noolashooda. Mar Lakshman wax laga weydiiyay waxa ay gabadhiisa ka doontay iskoolka iyadoo wadato baaquli ayaa waxaa uu sheegay in caruur badan ay halkaas tagaan xilliyada qadada, si ay uga soo qaataan cuntada bilaashka ah ee laga bixiyo iskoolada Dowladda xiliyada qadada. Waxaa kale oo uu sheegay in sidoo kale uu koriyo caruur badan oo ay dhaleen walaaladii oo dhintay, isagoo dedaalayana ay dhibto marka uu arko sawir noocaas oo kale ah. Divya ayaa ugu dambeyntii la geeyay isoolkii ay tagtay iyadoo baaquliga wadata, waxaana halkaas uga bilawdday waxbarasho bilaash ah iyo qadadii ay halkaas u tegtay in ay ka soo qaadato. Haatan waa ay ku faraxsan tahay in ka mid noqoto ardaydii ay mar ka qooraasan jirtay albaabka, waxaana meel walba oo ay aado ay dhabarka ku wadataa boorsada lagu qadaato buugaagta waxbarashada." https://www.bbc.com/somali/war-50470093 +religion Hamtramck, Michigan: Maxay tahay magaalada Mareykanka ku taalla ee ay Muslimiintu maamulaan? "Haddii aad ku dhex lugeyso magaalada Hamtramck ee gobolka Michigan waxaad dareemeysaa sidii inaad dalxiis ku mareyso caalamka. Dukaan lagu iibiyo cuntada Polish-ka iyo foorno lagu sameeyo rootiga bariga Yurub ayaa ku barbar yaalla suuq lagu iibiyo alaabta oo ay leeyihiin dad reer Yemen ah iyo dukaan lagu gado dharka Bengali-ga. Gambaleelka kaniisadda ayaa ka garab dhawaaqaya aadaanka salaadda ee masaajidka Muslimiinta. ""Waa adduunyadii oo la isugu keenay labo meyl oo labo jibaar ah gudahood"" - Hamtramck waxay leedahay hal ku dhigyadeeda, waxaana dhulkeeda oo baaxaddiisu dhan tahay 5 sq km looga hadlaa ilaa 30 luuqadood oo kala duwan. Bishan waxay magaaladan oo shacabkeedu yihiin 28,000 sameysay taariikh cusub. Dadweynaha Hamtramck waxa ay soo doorteen dowlad hoose oo xubnaheeda dhammaantood ay yihiin Muslimiin halka duqa magaaladana loo doortay nin Muslim ah. Waxay noqotay magaaladii ugu horreysay ee Mareykanka ku taalla oo abid yeelata dowlad ka kooban Muslimiinta Mareykanka. Muslimiinta oo mar magaaladan gudaheeda ku wajahayay cunsuriyad waxay noqdeen udub dhexaadka goobtan dhaqamada kala duwan ka jiraan, haddana dadka Muslimiinta ah waxayba ka badan yihiin kala bar ka mid ah bulshada ku nool magaalada. Inkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale iyo doodo kulul oo ku saabsan kala duwanaanta dhaqanka, dadka daggan Hamtramck ee diimaha kala duwan leh waxay ku guuleysteen inay si wadajir ah u noolaadaan, iyagoo magaaladooda ka dhigay mid tusaale u noqon karta Mareykanka intiisa kale ee mustaqbalka rajeynaya in isdhexgal fiican la sameeyo. Balse Hamtramck ma noqon doontaa meel maamulkeedu gaar yahay ama sharci u gaar ah leh? Raadka taariikhda Hamtramck wuxuu soo billowday markii ay ahaan jirtay meesha ay soo dagaan dadka ka imaada Jarmalka, wuxuuna soo socday ilaa maanta oo ay noqotay magaaladii ugu horreysay Mareykanka ee ay Muslimiin maamulaan. Dadku way la qabsadeen inay isku dhex wadaan dhaqamadooda kala duwan. ""Layaab ma laha in la arko haweeney xijaaban iyo mid goonno gaaban xiran oo is garab socda. Waa magaaladeenna iyo shacabkeenna,"" ayuu yiri Zlatan Sadikovic, oo ah nin qaxootinnimo uga yimid waddanka Bosnia, haddana halkaas ku leh makhaayad qaxwada lagu iibiyo. Intii lagu guda jiray qarnigii 20-aad, waxaa magaaladan loo yaqaannay ""Waarsow-da yar"", maadaama dadkii kasoo qaxay Poland ay kusoo qulqulayeen. Magaaladan waxay ka mid ahayd meelihii uu ku hakaday markii uu 1987-kii Mareykanka booqashada ku tagay baadarigii ugu weynaa masiixiyiinta ee Poland u dhashay, Pope Pope John Paul II. Sanadkii 1970-kii, qiyaastii 90% ka mid ah dadka ku nool magaalada waxay ahaayeen kuwo asal ahaan kasoo jeeday Poland. Hase yeeshee, isla 1970-meeyadii waxaa billowday hoos u dhicii warshadaha baabuurta soo saara ee Mareykanka, dadka dhallinyarada ah iyo kuwa maalqabeennada ah ee kasoo jeeday Poland-na waxay billaabeen inay u qaxaan tuulooyinka. Isbaddalkaas ayaa Hamtramck ka dhigay mid ka mid ah magaalooyinka ugu saboolsan gobolka Michigan, balse maciishadda raqiiska ah waxay soo jiidatay dadka soo galootiga ah ee aan dhaqaalaha heysanin. 30-kii sano ee lasoo dhaafay gudahooda, Hamtramck isbaddal ayay sameysay mar kale waxayna bartilmaameed u noqotay dadka carabta ah iyo kuwa reer Aasiya ee qaxootinnimada ku imaanaya Mareykanka, gaar ahaan reer Yemen iyo reer Bangladesh. Maanta 42% ka mid ah dadka ku nool magaaladan waa kuwo ku dhashay dibadda. In ka badan kalabar ayaa la aaminsan yahay inay yihiin Muslimiin si sax ah u cibaadeysta. Dowladda cusub ee la doortay xubnaha ay ka kooban tahay waxay muujinayaan isbaddalka ka socda Hamtramck. Maamulka dowladda hoose ee cusub waxaa ku jira labo qof oo Bengali-American ah, saddex Yamaniyiin-Mareykan ah iyo hal qof oo Polish-American ah oo diinta Islaamka qaatay. Amer Ghalib oo ku guuleystay codad gaaraya 68% waxa uu noqday Yemeni-American-kii ugu horreeyay ee duq magaalo ka noqda dalka Mareykanka. ""Waxaan dareemayaa in la i sharfay, balse waxaan ogahay inay i saaran tahay mas'uuliyad wayn,"" ayuu yiri Mr Ghalib, oo 41 jir ah. Ninkan oo ku dhashay xaafad ku taalla Yemen, waxa uu Mareykanka tagay isagoo 17 sano jir ah. Markii ugu horreysay waxa uu ka shaqo billaabay warshad sameysa qaybaha caagga ah ee baabuurta oo ku taalla meel u dhow magaalada Hamtramck. Markii dambe waxa uu bartay luuqadda Ingiriiska wuxuuna qaatay tababar dhanka caafimaadka ah, haddana waxa uu ahaa shaqaale caafimaad oo rasmi ah. ""Hamtramck waa meel ay si aad isugu dhow oo wadajir ugu nool yihiin kooxo dhaqamo kala duwan leh,"" ayay tiri Amanda Jaczkowski, oo ka mid ah xubnaha dowladda hoose ee lasoo doortay. Lix sano ka hor, markii ay magaalada noqotay meeshii ugu horreysay ee Mareykan ah oo dowlad Muslimiin ah laga doortay waxaa kusoo yaacay warbaahinta caalamka oo tabinayay sheekooyinka Hamtramck. Waxaa soo baxay warar sheegayay in dowladdan hoose ee Islaamiga ah laga yaabo in ay magaalada kusoo rogi doonto shareecada Islaamka. Waaxda tirakoobka ee Mareykanka ma aruuriso xogta ku saabsan diinta, balse xarunta cilmi baarista ee Pew ayaa tirakoob ay sameysay 2020-kii ku sheegtay in Mareykanka ay ku nool yihiin dad gaaraya qiyaastii 3.85 milyan oo muslimiin ah. Tiradaas waxay noqoneysaa 1.1% oo ka mid ah shacabka guud ee Mareykanka. Marka la gaaro sanadka 2040-ka, waxaa la saadaalinayaa Islaamka uu noqdo diinta labaad ee ugu weyn Mareykanka, marka laga soo tago masiixiyadda. Inkastoo kobacaas uu jiro haddana Muslimiinta waxaa Mareykanka looga arkaa kuwo dhibaato keenaya. Hadda oo 20 sano laga joogo markii ay dhaceen weerarradii 9/11, islaam naceybka wali wuxuu daba socdaa Muslimiinta iyo Carabta kale ee ku nool Mareykanka. Ku dhawaad kalabar ka mid ah muslimiinta Mareykanka ah ayaa xarunta Pew u sheegay sanadkii 2016-kii in dhammaantood ay si shakhsi shakhsi ah ula kulmeen nooc cunsuriyad ah intii uu xilka madaxweynaha hayay Donald Trump. Madaxweyne Trump ayaa soo jeediyay in Mareykanka laga mamnuuco Muslimiinta soo galootiga ah ee ka imaanaya dalalka ay Muslimiinya aqlabiyadda ku yihiin. Cilmi baareyaasha ayaa sidoo kale ogaaday in shacabka Mareykanka ay wali fikrado xun ka aaminsan yihiin dadka Muslimiinta ah. In ka badan kalabar ka mid ah shacabka Mareykanka waxay sheegeen inaysan aqoonin qof Muslim ah, balse kuwa Muslimiinta bartay waxay aaminsan yihiin in Islaamku uusan ka halis badneyn diimaha kale. Hamtramck ayaase tusaale fiican u ah sida ay isula noolaan karaan Muslimiinta iyo dadka diimaha kale heysta." https://www.bbc.com/somali/war-59315826 +politics Kiiska ICJ: Sida ay ku billaabatay dacwadda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya "Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa 15-ka bishan March billaabeysa dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya, hase ahaatee dad badan waxba kama xasuustaan sida ay sheekada furitaanka dacwadda ku billaabatay markii ugu horreysay. Bishii July ee sanadkii 2015-kii ayey dowladda Soomaaliya si rasmi ah maxkamadda ICJ ugu gudbisay dacwadda ku saabsan muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya. Xilligaas ka hor waxaa marxalado badan laga soo maray sidii kiiska loo geyn lahaa maxkamadda. Haddaba Sidey ku billaabatay? Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa BBC-da uga warrantay sida ay ku timid fikradda gudbinta dacwada, oo ahayd mid ka billaabatay iyada oo fadhisa Makhaayad ku taalla dalka Mareykanka. ""Anigoo New York jooga 2013-kii ayaa waxaa isoo booqatay Muna Sharmaani, hoteelki aan joognay ayey iigu timid, dhinaca makhaayadda ayaan u baxnay si aan shaah u cabno. Waxaan weydiiyay meesha ay ka shaqeyso, kaddib waxay igu tiri, 'waxaan ka shaqeeyaa xafiiska badda ee Qaramada Midoobay'. Waxaan ku idhi 'Muna bal ii ga warran badda Soomaalia'."" Fowziya ayaa sheegtay in markii ay ogaatay in Muna ay ka shaqeyso arrimaha xuduudaha badaha ee caalamka ay go'aansatay in ay sharraxaad ka hesho sida loo wajihi karo xaaladda. ""Muna waxay igu tidhi 'baddeenna afar waddan baa ku soo durkay', afartii waddan bay ii sheegtay waxaana ku jirtay Kenya. Waxaan ku idhi maxaynu ka qaban karnaa? Waxay igu tidhi 'waa loo dagaallami karaa laakiin anigu darajadeyda way hooseysaaye madaxda iga sarreysa ayaan kuu geynayaa', Kaddib saraakiishii xafiiskeeda ayaan u tagay si buuxda ayaana la iigu sharraxay arrinta anigoo ah wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya,"" ayey tidhi Fowziya. ""Shan qareen baa ii faahfaahiyay xaaladda, waxayna ii sheegeen in Kenya ay soo waddo warqado ay maxkamadda geyneyso sanadka 2014-ka haddii aan carqaladeyn weynana loo saxiixayo ayna xaq u yeelanayaan badda. Kaddib markii aan dalka kusoo laabtay ayaan madaxweynaha kala tashtay, laakiin wuxuu ii sheegay in baarlamaanku uusan oggoleyn in lasoo hadal qaado mowduucaas oo buuq badan ka dhici karo,"" ayey tidhi. Waxay Amb. Fowziya intaas raacisay in markii dambe ay kulansiisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muno Sharmaan. ""Markii ugu dambeysay ee aan Madaxweynaha ku noqday waxaan u sheegay in aan doonayo inaan Muno Sharmaan keeno Xamar oo uu dhageysto, markii aan keenay oo la fariisannayna arrintii waan ku qancinnay madaxweynaha."" Halkaas ayey Fowziya iyo Muno Sharmaan kasii wadeen dadaalka ku aaddan loollanka xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, sida ay Wasiiraddii hore u sheegtay BBC-da. Ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyo kudbinta dacwada, sidaasna kiiska loogu geeyay ICJ. Muna Sharmaan oo dhowr sano ku caan baxday dadaalka ay ugu jirtay kiiska badda ee Dhinaca Soomaaliya ayaa sanadkii 2019-kii isaga baxday qareennada difaacayay Soomalaiya. Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka. Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal ayna go'aan ka gaari karto. April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya. Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodda ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad uu ku faahfaahiyo heshiiska. July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go'aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go'aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso. Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas. Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go'aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda. Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2019 : Maxkamadda Caddaallada Adduunka waxay dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda oo xilliggaas la qorsheeyay in uu dhaco 4-ta Nofeembar, balse waxay ka dhigtay illaa bisha June ee sannadka 2020-ka. Dhowr jeer oo la filayay in dhageysiga kiiska uu billowdo sanadkii 20-kii gudihiisa ayaa la baajiyay kaddib markii ay Kenya codsatay in waqti dheeri ah la siiyo sababo la xiriira saameynta cudurka Covid-19. Dhawaan ayey garsoorka ICJ ku gacan seyreen dalab kale oo Kenya ay ku dooneysa dib u dhigista dacwadda, waxaana hadda loo ballan san yahay in dhageysiga uu furmo maalinta Isniinta ah ee isbuuca soo socda." https://www.bbc.com/somali/war-56348268 +health Bollywood iyo fayraska corona: Sida uu cudurka u saameeyay qoysaska jilaayaal caan ah "Hindiya, oo markii hore xannibaad la geliyay, haddana dibna loo furay si dhaqaalaha loo badnaadiyo, waxaa ku sii badanaya tirada kiisaska cudurka korona. Hadda, waxaa maalin kasta laga soo sheegaa illaa 30,000 oo kiis oo cusub - taas oo ka badan tirada dalalka caalamka oo dhan marka laga reebo Mareykanka iyo Brazil. Tirada guud ee illaa iyo hadda laga soo sheegay Hindiya waxay ka badan tahay 850,000, waxayna ku dhowdahay in Brazil ay dhaafto. Haddaba, waxaa sare u kacaya saameynta uu xanuunka ku yeelanayo shirkadda aflaanta ee Bollywood. Wuxuu gaaray guryaha qaar ka mid ah xidigaha caanka ah. Haddaba aanu eegno sida uu u saameeyay qoysaska qaar: Waxay ahayd maalintii keliye ee in ka badan 28,000 oo kiis oo cusub laga soo sheegay Hindi, balse qoyska hal nin - Amitabh Bachchan - ayaa dareenka caalamka oo dhan qabsaday. Warbaahinta dunidana si wayn ayey u hadal haysaa. Amitabh waa jilaaga ugu wanaagsan Bollywood, waana nin si wayn looga xushmeeyo, loogana jecel yahay dalka Hindiya iyo daafaha caalamka. 'Cali Dheere' ayaa Sabtidii shaaciyay in cudurka corona laga helay. Wuxuu farriin ku baahiyay bartiisa Twitter-ka oo ay ku xiran yihiin illaa 43 milyan oo qof. Wiilkiisa, Abhishek iyo gabadha uu sodogga u yahay ee Aishwarya Rai Bachchan, ayaa sidoo kale laga helay cudurka. Labadan lamaane ayaa sidoo kale ah jilaayaal caan ah oo aad looga garanayo Hindiya. Sidoo kale, gabadhooda Aaradhya oo 8 sano jir ah ayuu ku dhacay cudurka coronavirus. Aishwarya Rai Bachchan, oo ah 46 sano jir, ahna atariisho caan ka ah Hindiya iyo daafaha caalamka, ayaa sannadkii 1994-tii noqotay gabadha ugu quruxda badan dunida. Hadda waxay tahay wakiilka Sama-doonka ee UNAIDS u qaabilsan caalamka. Waxayna ahayd atariishadii ugu horeysay ee Hindiya ee xubin ka noqotay Xeer-beegtida Cannes Film Festival. Amitabh Bachchan oo illaa seddax jiil la soo jilay aflaan badan iyo wiilkiisa Abhishek ayaa isla sabtidii la dhigay isbitaalka, balse lama sheegin sida ay xaaladdooda tahay in kastoo Abhishek uu sheegay in xaalad deggan ku jiraan. Abhishek Bachchan wuxuu Twitter-ka soo dhigay in uu isbitaalka ku sii sugnaanayo inta ay dhaqaatiirta ka go'aansanayaan xilliga uu ka soo baxayo. Anupam Kher hooyadii iyo laba qof oo kale oo ka mid ah qoyskiisa ayaa laga helay fayraska Covid-19. Anupam hooyadii oo lagu magacaabo Dulari ayaa la seexiyay isbitaal ku yaalla Mumbai, iyadoo inta kale ee qoyska lagu karantiilay gurigooda. Jilaagan caanka ah ee qaar ka mid ah taageerayaashiisa Soomaalida ay u garanataan 'Aa Baska' ayaa Axaddii shaaciyay in xubno ka mid ah qoyska laga helay xanuunkan dunida faraha ba'an ku haya. Anupam wuxuu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dhammaan xubnaha qoyska ee laga helay cudurka ay xaaladdooda wanaagsan tahay. Wuxuu farriinta uu baahiyay ku sheegay: ""Aniga xitaa waa la iga baaray cudurka, waana la iga waayay"". Bhanurekha Ganesan, oo muddada dheer ku dhex jirtay aflaanta iyo Bollywood ayaa la geliyay karantiil ka dib markii fayraska Covid-19 laga helay mid ka mid ah ilaaladeeda. Hay'adda Maamulka Brihanmumbai (BMC) ayaa sheegtay in askerigaas loo kexeeyay xarun karantill iyo in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay. Sidoo kale, Dhammaan shaqaalaha ka shaqeynayay xafiisyada u dhow mid keeda ayaa laga wada helay cudurka. Lama shaacin sida ay tahay xaaladda guud ee qoyskeeda, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in Rekha Dheerey, oo 65 sano jir ah, ay dooneyso in si iskeed ah ay baaritaanka isugu sameyso ka dibna warbixinta shaacin doonto. Atooraha caanka ah, Aamir Khan ayaa Arbacadii aanu soo dhaafnay sheegay in hooyadii laga waayay xanuunka coronavirus, maalin ka dib markii fayraska laga helay qaar ka mid ah shaqaalihiisa. Jilaagan iyo qaar kale oo ka mid ah qoyskiisa ayaa sidoo kale laga baaray fayraska Covid-19, waana laga waayay. ""Hello qofkasta, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idiin sheego in Ammi laga waayay cudurka. Qof kasta waad ku mahadsan tahay ducada"", ayuu yiri Aamir Khan. Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in qoyska oo dhan la karantiilay ka dib markii qaar ka mid ah shaqaalihiisa laga helay cudurka." https://www.bbc.com/somali/war-53389997 +politics Trump iyo Theresa May oo ay ka dhex tolatay Xafiiska Downing Street ee looga taliyo dalka Ingiriiska ayaa war murtiyeed laga soo saaray lagu sheegay in Ra'isulwasaaraha Britain Theresa May ay kalsooni buuxda ku qabto safiirka u fadhiya Maraykanka, inkasta oo madaxweynaha dalkaas Donald Trump uu sheegay in uusan la shaqayn doonin Sir Kim Darroch. Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka jawaabayay emailo banaanka usoo baxay oo muujinayay aragtida uu safiirka ka qabo maamulka Trump, isaga oo ku tilmaamay mid qalalaase ka samaysan, islamarkaasna ay wax badan qaldanyihiin. Trump oo hadaladaas xanafta leh ka xanaaqay ayaa carab dalab leh u isticmaalay Ra'isulwasaare May, isaga oo sheegay in ay si xun u maamushay barnaamijka ka bixitaanka Yurub ee Britain, islamarkaasna ay diiday tallooyin uu siiyay. Afhayeen u hadlay Britain ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid wanaagsan, wararka lasoo gudbiyayna ay yihiin kuwa si gaar ah looga soo dhex xushay waxyaabo badan. Theresa May ayaa safiirka ku tilmaamtay nin daacad ah oo runta ka sheega waxa uu arko ama dareemo. Hadalka Trump ee ah 'lama shaqayn doono Kim' ayaa ka dhignaan kara in danjiraha si rasmi ah looga eryay Maraykanka, lana siiyay waxa loo yaqaano Persona Non Grata. Hase yeeshee safiirka waxa muddo xilleedkiisii uga haray muddo bilo ah. Danjire Kim oo Washington fariistay 2016-kii, sannad ka hor markii Trump la doortay ayaa emailada ku sheegay in Aqalka Cad uusan mardambe noqon doonin meel si hufan shaqada loogu guto, isaga oo muujiyay sawir ah qalalaase iyo jiho wareer joogto ah oo halkaas ka jira. Durba waxa ay u egtahay in hadalka Trump uu furey iyada oo safiirka aanan lagu casuumin casho sharaf Aqalka Cad loogu sameeyay Amiirka Qatar. Waxaa jira kulan kale oo qorsheysan oo safiirka uu ku arkayo gabadha Trump, haddii aanan isna laga hor istaagin. Gudaha Ingiriiska, wararkan warbaahinta kusoo baxay ayaa booliiska laga codsaday in ay baaraan sidii ay u baxeen. https://www.bbc.com/somali/war-48918875 +sports Maxay tahay sababta aysan ragga iyo dumarka u wada ciyaari karin kubadda cagta? "Stephanie Labbe waa gabadh caan ah oo ciyaarta kubadda cagta, ahna goolhaye aad looga yaqaanno caalamka. Canada ayaa dalka Cameroon uga badiyay 1-0 ciyaaraha koobka adduunka ee sannadka 2019-ka ka socda dalka Faransiiska, ciyaartaas oo dhacday maalintii Isniinta ahayd ayaa noqonaysa markii 30-aad oo ay ku guulaysteen 62 ciyaarood oo ay dheelaan. Stephanie Labbe waxa ay u ciyaartay xulka qaranka Canada. Balse Labbe waxaa si weyn u hadal heysay warbaahinta kaddib markii ay ku biirtay kooxda ragga ee Calgary Foothills sannadkii 2018-kii. Gabadhan oo gool -haye u ahayd kooxda ayaa soo bandhigtay ciyaar xiiso leh, balse xiriirka kubadda cagta adduunka ayaa ka mamnuucay inay ka qayb qaadato ciyaaraha. Haweeneydan 32 jirka ah ayaa kala qeybsanaan ka dhex dhalisay madaxda sare ee xiriirka kubadda cagta ee adduunka. Sannadkii 2004-tii FIFA waxa ay sheegeen "" Waa in si cad loo kala saaro ragga iyo dumarka, aysann ciyaar dhex mari karin"". Fifa ayaa diiday go'aan gacan siin lahaa Dominguez oo ay soo saareen xirriirka kubadda cagta ee Mexico. Ciyaaraha qaar ayaa sida lafansanayahy aanan ahayn kuwa ragga iyo dumarka laga filan karo inay keenaan isku natiijo. Baaritan ay saynisyahanada sameeyeen 2010-kii ayaa lagu sheegay in bandhigga kubadda ee ragga ay 40% ka sareyso tan dumarka. ""Tartan u dhexeeya ragga iyo dumarka ayaanan ka dhicin adduunka marka la eego ciyaaraha qaar oo aad u adag. Ciyaartoyda ayaa badanaa lagu qiimeeyaa hab dhiska jirkooda taasi oo horseedi karto in aad natiijo wanaagsan gaartid. ""Marar badan ayaan la ciyaaray qaar ka mid ah ragga, waa ay iga xoog badnaayeen weyna iga itaal dheeraayeen. waan ogahay marka aad la ciyaaraysa dadkaas oo kale , waa niyad jabeysaa balse waa inaad adeegsataa maskaxdaada."" ayey tiri Marta. Mar ay ka hadashay khibraddeedii bishii la soo dhaafay, Stephanie Labbe waxaay sheegtay in raggii ay la ciyaareysay ay xoog u sheegteen. ""Aad ayey u dhib badantahay in lagu yiraahdo ma ciyaari kartid maxaa yeelay sabab aanan waxba laga qaban karin gabi ahaanba."" ayey tiri Labbe. ""Ma ahan, wax inta aan guriga tego aan wax ka baddeli karo. Jinsiyadaydu weligeed ma baddelmayso."" Federico Luzzi, waxa uu wax ka baraa jaamacadda Aberdeen ee ku taalla Scotland, waxa uu sheegay in FIFA ay ku qaldantahay kala saaridda ragga iyo dumarka. ""Xitaa haddii aysan run ahayn in gabadhaha xirfadda u leh kubadda cagta aysan u ciyaari karin sida ragga, ma ahan in xiriirada kubadda cagta ay qaatan go'aan ay ku xaddiddayaan isdhexgalka dumarka iyo ragga ciyaartoyda ah."" ayuu yiri. Dadka gebi ahaanba kasoo horjeeda tallaabadan ayaa ku doodaya ""inay ka shaqeyneyso badqabka haweenka ayna ka ilaalinayso dhibaatooyin badan." https://www.bbc.com/somali/war-48625155 +health Aadan Xuseen: Wiilka yar ee sida cajiibka ah korontada ku gaarsiiyay tuulada uu ku nool yahay "Wiil yar oo 14 jir ah ayaa lagu bogaadiyay markii uu korontada gaarsiiyay tuulada uu kasoo jeedo isaga oo adeegsanayo saalada xoolaha. Aadan Xuseen Diida oo ah arday dhigata fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhexe ee Tula Web, ayaa sheegay in uu mashruucan u bilaabay si uu u wax ka qabto dhibaatada haysata dadka tuulada ku nool ee aan haysan adeegyada aasaasiga ah sida waddooyinka, isbitaallada iyo korontada. Wuxuu wiilkan korontada gaarsiiyay dhowr guri oo ku yaalla deegaanka Borana ee dhaca koonfurta Itoobiya. Aadan wuxuu mashruucan ka dhalinta korontada saalada xoolaha ka bilaabay gurigooda isaga saalada xoolaha ku uruuriyay god dheer oo labo mitir ah. Waxaana u suurogashay in halkaa uu kasoo saaro koronto ku filan ilaa siddeed guri, wuxuu guri kasta ka qaada $0.87 doolar. Dadka deegaankaas ku dhaqan ayaa u badan dad xoolo dhaqato ah oo ku tiirsan xoolahooda balse waxaa si ba'an u saameysay abaaraha ka jira gobolka. Aadan waxaa caawiyay lacagtii yareyd uu ka qaadayay qoysaska uu guryahooda u geliyay korontadan cajiibka ah ee uu soo saaray. ""Aad ayaan ugu faraxsanahay howsha aan qabtay ilaa hadda, waxay yiraahdeen waxaan meesha ka baxay qiimihii aan ku iibsan jirnay batariyada iyo tooshyada. haatan carruurtoodu waxay hadda wax ku akhrisan karaan guriga intii ay sugi lahaayeen in uu waagga ka baryo si ay u qabtaan casharada uu macalinka usoo diray"" ayuu yiri Aadan. Aadan macallinkiisa oo la yiraahdo Boru Sora ayaa sheegay in mashruuca wiilkan la gaarsiin doono guryo dhowr ah oo ku yaalla tuuladan inkasta oo caqabada heysto ay tahay in uusan gaari karin magaalooyinka maadamada waddooyinka ay xun yihiin taas oo horseeday in qalab badan uu kasoo iibsado halkaas si uu horumariyo mashruuca. Oromada fursadaha waxbarasho ka helay Somaliland Waa sidee tayada jaamacadaha Soomaaliya? Somaliland oo qaab casri ah uga hortaggeysa qishka ""Waa ardey hal abuur leh, ka sokow, saalada uu korontada ka dhaliyay, wuxuu isku dayay dhowr waxyaabood, wuxuu hagaajinayay Raadiyeyaasha halaabay iyo qalabyada kale ee elektrooniga ah si uu uga sameeyo diyaarad ku duuleysa xawaare dhan 100 mitir"" ayuu yiri macalin Boru. Aadan wuxuu dhiirigelin u noqday ardey badan oo isku iskuul yihiin kuwaas oo bilaabay inay curiyaan fikrado kala duwan si ay ula yimaadaan mashaaricyo muhiim ah oo waxtar leh sida midka uu hirgeliyay Aadan. Aadan riyadiisu waxay tahay in uu ku biiro jaamacadda Borana ee ku taalla deegaanka Yabelo ee dalka Itoobiya gaar ahaan kuliyadda Injineernimada." https://www.bbc.com/somali/war-60489013 +health Koroona Fayras: Ingiriiska oo 10-ka fiidnimo xiraya baararka iyo maqaayadaha "Dhammaan baararka, maqaayadaha iyo goobaha kale ee lagu caweeyo ee Ingiriiska ayaa khasab laga dhigay in la xiro 10:00 fiidnimo laga bilaabo maalinta Khamiista ah, si arrintani ay gacan uga geysato xakamaynta faafidda fayraska Crona. Ra'iisal wasaaraha ayaa tallabooyinkan ka ansixin doona baarlamaanka ka hor inta aanu Khamiista khudbad toos loo daawanayo u jeedin qaranka abbaaro 8:00 fiidnimo. Arrintan ayaa imaanaysa ayadoo qaylo dhaanta fayraska Covid-19 uu gaaray heerka 4-aad, taas oo macnaheedu tahay in fayrasku uu si ""weyn u sii kordhayo.'' Boris Johnson ayaa sidoo kale la filayaa in uu dadka u sheego baahida loo qabo in la raaco awaamiirta kala fogaanta ee bulshada, in la xirto maaska afka iyo sanka iyo in si joogta ah ay gacmahooda u mayraan. Sidoo kale, sida ay wargaysyadu ku warramayaan, wuxuu dadka ku boorrin doonaa in ay guryaha ka soo shaqeeyaan arrintaas oo aan saamayn taban ku yeelan doonin ganacsiga. Madaxa la taliyaasha xukuumadda ee dhanka Sayniska Sir Patrick Vallance ayaa ka digay in kiisaska Fayrsaka Crona ay gaari doonaan 50,000 oo kiisas cusub ah bartamaha bisha October haddii aan tallaabo arrintaa looga hortagayo la qaadin. Arrintaas oo uu sheegay, in ay horseedi doonto in dad kor u dhaafaya 200 oo qof ay maalintii geeryoodaan marka la gaaro bartamaha bisha November. Isniintii, waxaa dalka UK laga soo sheegay 4,368 kiisas oo maalinlle ah iyo geerida 11 qof. Sidoo kale waxaa Axaddii la diiwaan geliyey 3,899 kiis oo fayraska Corona ah. Xayiraado dheeri ah ayaa sidoo kale Khamiista lagu soo rogi doonaa Scotland, waxaa sidoo kale sii socon doona xayiraadaha saaran isku socodka xaafadaha ee Waqooyiga Ireland. Sidoo kale afar is maamul oo ka tirsan Koonfurta Wales ayaa khamiista abbaaro 6:00 makhribnimo waxay wajahayaan tallaabooyin cusub, oo ay ka mid tahay in 11:00 habeenimo bandow lagu soo rogo baararka iyo goobaha khamriga lagu cabbo. Golaha wasiirrada Uk ayaa subaxa khamiista ah kulan yeelan doona ayadoo Boris Johnson uu sidoo kale shir guddoomin doono kulan deg deg ah oo ay isugu imaan doonaan hoggaamiyeyaasha Scotland, Wales iyo Waqooyiga Ireland. Xayiraadaha adag ee lagu soo rogay baararka khamriga iyo maqaayadaha ayaa goor horeba ka dhaqan galay qeybo badan oo ka mid ah waqooyiga-bari iyo waqooyiga-galbeed ee England, iyo Wales." https://www.bbc.com/somali/war-54245035 +politics 25 warqadood oo ay is waydaarsadeen Trump iyo Kim Jong-un "Saxafiga caanka ah ee u dhashay dalka Mareykanka Bob Woodward, ayaa diyaarinaya daabacaadda buuggii labaad oo uu ka qoray maamulka madaxwayne Donald Trump. Buugan oo lagu mgacaabo ""Rage"", waxaa uu shaaciyay in uu ku daabici doono ""25 warqadood oo ay is waydaarsadeen Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un kuwaasi oo aan wali shaaca laga qaadin "". Shirkadda wax daabacda ee Simon & Schuster ayaa bayaan buugan ku saabsan ku daabacday barta Amazon. Buugani waxaa qeybta kore kaga dhagan sawir wayn oo ah kan madaxwayne Trump, waxaana lagu wadaa in la soo saaro 15 bisha September. Shirkadda daabacaadda Simon & Schuster ayaa sheegtay in buuggan uu ka kooban yahay ""macluumaad cusub oo cajib ah oo ay ka mid tahay go'aanadda amniga qaranka iyo howlgalada. Waxaa sidoo kale macluumaadka uu xambaarsan yahay buugan ka mid ah tallaabooyiinkii uu Trump qaaday xilligii la shaaciyay in cudurka safmarka iyo musiibada dhaqaale. Woodward, oo ah mid ka mid ah wariyayaasha ugu caansan Mareykanka ee ka tirsanaa wargeyska Washington Post,ayaa waxaa uu magaciisa si wayn u soo shaacbaxay xilligii fadeexadii Watergate ee horseeday in uu xilka iska casilo madaxwayne Richard Nixon sanadkii 1970-yadii . Buuggii ugu horeeyay ee Bob Woodward ee ku saabsanaa maamulka, oo uu ku magacaabay ""Fear"", ayaa la soo saaray September 2018, waxaa uuna ka mid noqday buugaagta loogu gadashada badan yahay dalka Mareykanka. Buugaasi ayaa ku saleysnaa wareysiyo laga qaaday boqolaal qof oo ka agdhawaa maamulka. Waxyaabaha lagu xusuusto oo ku jiray buugaasi waxaa ka mid ah dikumiintiyo laga waayay miiska uu fariisto madaxwayne Trump si aysan isu casilin la taliyayaashiisa. Madaxwayne Trump oo buuga lagu magacaabo ""Fear"" ku tilmaamay ""mid khiyaali ah "", ayaa waxaa uu Trump bishii January u sheegay telefishinka Fox News in uu la kulmi doono Mr Woodward. Buugan cusub ee imika lagu magacaabo, ""Rage, ayaa waxaa uu ka kooban yahay qoraalo, emailo, ajandooyiinka shirarkii Trump iyo dikumiintiyo kale oo sir ah. Waxaa uu sidoo kale buugan ku xusan hab dhaqankii Trump iyo qaabkii xukunka saddexdii sano ee maamulkiisa ugu horeeysay. Wareysi uu siiyay wargayska Guardian qoraaga buugan Mr Woodward ayaa waxaa uu sheegay in u doonayo in uu shaaca ka qaado ""wixii dhacay"".," https://www.bbc.com/somali/war-53774918 +health Rathlin Island: Nolosha jasiiradda ku taal UK ee aan weli coronavirus laga helin "Ma jiraan safarro wax kala iibsi ah, ma jiraan baararkii habeenkii lagu caweyn jirey, ma jiraan shineemooyin la booqdaa. Bandawgii guud waxa uu noo taray xaqiiqatan wax duwan ayay yidhaadeen mid ka mida dadka yar ee ku nool jasiiraddaas.. Jasiiradda Rathlin, oo ah dhul yar oo L-qaabkeeda leh oo ka baxsan xeebta Waqooyiga Ireland, ayaa xaalkeedu sidaa yahay. In kasta oo aysan helin wax kiisas ah oo 'Coronavirus', haddana Rathlin waxay gashay bandawga bishii Maarso. ""Xaqiiqdii waxa uu ku socdaa xawaare aad gaabis ah,"" ayay tidhi 18-jir Orlagh Cecil xilli ay la hadlaysay Radio 1 Newsbeat. Iyadu waa mid ka mid ah ku dhowaad 150 qof oo ku nool Jasiiradda Rathlin, waxayna ka shaqeysaa makhaayaddeeda keliya ""Waxa aan haysannaa oo ku yaal halkan xafiiska boostada iyo dukaan hadiyadaha gada. Kadibna waxaa jira matxaf yar oo laga helowaxyaabo kala duwan sida burburka markabbada."" ""Hal goob oo hurdo iyo meelo kale oo la seexdo"". ""Dad badanna waxay u yimaadaan inay arkaan goob lagu badbaadiyo noocyada kala duwan ee shimbiraha."" Orlagh Cecil , Markii ay ku jirtay dugsiga hoose, waxaa jiray oo keliya ay lahaayeen hal wasiir. Laakiin wax walwal ah kama qabno fasalo badan oo halkan lagu qoro, waqtigaas kaliya seddex arday ayaa ka diiwaangashan dugsiga oo dhan. ""Hadda, waxaa dhigta 17 carruur ah dugsigaasi"", ayay sheegtay ""Macallinka waa inuu maareeyaa dhammaantood markaa taasi waa hawl badan."" Ma jiro dugsi sare jasiiradda. Halkii ay doonta ka heli laheyd labo jeer maalintii midka ugu dhow, Orlagh waxay aaday iskuul boodhin ah oo ku yaal Belfast. ""Waan ogahay sida ay magaaladu tahay maxaa yeelay waxaan waxabarshadayda qayb ku qaatay iskuul halkaas ku yaal. Laakiin uma malaynayo inaan ka maqanaan karo ku noolaanshaha halkan, waayo way ka duwan tahay halkaas. Doonta ka timaadda Ballycastle ilaa Rathlin, waxaad si dhakhso leh u arki kartaa sababta ay jasiiraddu u soo jiidnayso dadka soo booqda. Waana degaan aad qurux badan oo duurjoog badan ay joogto. Iska illow daasadihii coke ee sabeynayay, haddii aad nasiib leedahay waxaad ku arki doontaa hoonbarro badda dhexdeeda taas oo ku hareeraysan jasiiradda. Laakiin farqiga ugu weyn ee u dhexeeya Jasiiradda Rathlin iyo UK inteeda kale xilligan ayaa ah in aysan weli kiisas fayraska Karoone ah. Waxaan dib u bandaw u galnay bishii Maarso"" ""Markii hore waxay yareeyeen jadwalka dadka racaaya doonta, laakiin markan way joojiyeen gabi ahaanba.""" https://www.bbc.com/somali/war-54307535 +religion Nin Muslim ah oo sanado badan ilaalinayay macbadka Hinduuga "Nuur Maxamed Dar, oo ah nin muslim ah oo ka soo jeedo Lagripura ee degmada Anantnag ee Jammu iyo Kashmir ee Hindiya ayaa ilaalinayay macbad ku yaal tuuladiisa 11-kii sano ee la soo dhaafay. Macbadkan waxaa ka qaxday kooxdii wadaadada Hinduuga aheyd ee gacanta u heysay, sanadkii 2011-kii, Nuur Maxamed wuxuu ku casuumay macbadka kooxdaas wadaadada. Macbadka Lagripura waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Kheer Bhavani Temple. Waxa jira macbad kale oo yar oo dhawr tallaabo u jira macbadkan, Nuur Maxamed ayaa wuxuu dusha saartay ilaalinta labada macbad. Nuur Maxamed xirfaddiisa waa cunto kariye, wuxuu dhalay labo gabdhood. Nuur Maxamed wuxuu sheegay in markii kooxdii wadaada aheyd ee Hinduuga ee kasoo qaxday tuuladiisa uu ka codsaday inay dib ugu soo laabtaan Kashmir si ay u arkaan macbadkii ay ka carareen. Wuxuu yiri, ""Ilaa 2011, waxaan aaday Jammu dhowr jeer si aan u booqdo kooxda waddaada ah ee ka soo qaxay tuuladayda. Waxaan ka codsaday inay soo noqdaan. Mar kasta waxay weyddiin jireen macbadkii tuuladii ay kasoo carareen, Waxaan u sheegi jiray inaan booqan doono tuuladooda. Mar kasta oo aan u tego kooxda Jammu, aad bay ii ixtiraami jireen. Nuur wuxuu sheegay in kooxda markii dambe ay ka aqbashay inay soo booqdaan macbadka, wuxuu bilaabay in uu qurxiyo. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri, ""Kadib markii aan qurxiyay macbadka dhawr maalmood, kooxdii wadaada diinta Hinduuga ugu dambayntii waxay soo gaareen tuulada 21-kii June 2011. Markii ay arkeen macbadka la qurxiyey sida gri aroos ah, aad bey ugu farxeen tallaabadaas, maalmo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen guryaha muslimiinta"" Muslimiinta Hindiya iyo qashqashaadda salaadda jimcaha Iskuullada Muslimiinta 'waa in ay bixiyaan casharada Furriinka' ‘Muslimiinta asxaan ugumaysan sameyn Hindiya inay halkan joogaan’ Nuur Maxamed wuxuu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2011-kii ilaa iyo maanta uu ilaalinayo macbadkan laga qaxay ee ku yaalla tuuladiisa. Markii ay colaadda ka bilaabatay gobolka Kashmir sanadkii 1990, kooxda wadaada ah waxay u qaxeen gobollo kala duwan oo ku yaallo Hindiya, wakhtigaas waxaa Kashmir ku yaallay 30 macbad ah. Waxa uu sheegay in Muslimiinta ku nool tuuladiisu waligood aysan ka hor joogsan ilaalinta iyo daryeelidda macbadkan. Nuur Maxamed waxa uu sheegay in Muslimiinta ay mar walba ku taageereen ilaalinta macbadkan. Wuxuu yiri, ""Wax dhib ah kalamaan kulmin ilaalinta macbadkan ilaa maanta. Muslimiinta deriskayga ah had iyo jeer way i taageeri jireen. Laakiin waxaan oran karaa dhammaanteen waan ilaalinay macbadka, xitaa iguma aysan oran, maxaad u ilaalineysaa macbadka adigoo Muslim ah?"" Wuxuu sheegay in macbadka iyo masaajidka ay isku mid u yihiin. Wuxuu sheegay in ilaalinta iyo daryeelidda macbadka aysan u horseedi doonin in uu ka baxo diinta Islaamka. ""Waxaan tegaa macbadka anigoo ku shidaya fooxa, biyo ayaan ku nadiifiyaa, Diinteyda wax dhibaato ah uma keeneyso arrintani, marka laga reebo ilaalinta macbadka waxaan sidoo kale ku dhaganahay diinteyda"" ayuu yiri Nuur Maxamed." https://www.bbc.com/somali/war-60971509 +politics Britain oo soo saartay liiska dalalka dadka ka imaanaya aan la karantiilo doonin. "Dalka Ingiriiska ayaa maanta furaya qaar ka mid ah goobaha ganacsiga oo u xirnaa xayiraaddi ka dhalatay fayraska korona, iyada oo dalkaasi ay ugu dhinteen in ka badan 43 kun oo qof. Goobaha laga qafiifiyey xayiraadaha ayaa waxaa ka mid ah Maqaaxiyaha, Baararka, goobaha is-qurxinta iyo Shineemooyinka, iyadoo tani qayb ka tahay dadaal dawladda Britain dib ugu soo kabayso dhaqaalaha jilbaha u dhigtay saameynta Covid-19. Dhinaca kale xukuumadda ayaa soo saartay liiska dalalka dadka ka imaanaya aanay gali doonin karantiil ku jihaysan xakameynta fayraska. Liiskan oo ka kooban 59 dal iyo 14 deegaano maamul ahaan hoos taga boqortooyada UK ayaa waxaa ku jira Giriiga, Spain, Faransiiska iyo Belgium, waxaana talaabadani ay dhaqan galaysaa 10-ka bisha Luuliyo wixii ka dambeeya. Laakiin socotada ka imaanaysa dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Mareykanka, Sweden iyo Portugal ayaa ka mid ah dadka gali doona 14 maalmood oo karantiil ah. Dawlada Britain ayaa soo rogtay bishii June tallaabooyin ay ku adkeynayso soo galitaanka dalka si loo xakameeyo faayraska korona iyadoo ay hoos u dhacayaan kiisaska cusub ee cudurka Covid-19. Ra'isalwaraaraha UK Boris Johnson oo shalay ka hadlayey shir jaraa'id oo uu ku qabtay xafiiskiisa ku yaalla Downing Street ayaa farta ku fiiqay in intii ay karantiil galin lahaayeen dhamaan dadka ka imaanaya aduunka oo idil ay iminka gooni u sooc ka dhigi doonaan goobaha uu ku tilmaamay in nasiib xumo aanay ka jirin hannaan lagu xakameynayo fayraska. Wasiirka arrimaha dibada Portugal Augusto Santos Silva oo la hadlayey BBC-da kana jawaab celiyey go'aanka xukuumada Britain ayaa ku tilmaamay mid macno la'aan ah oo aan caddaalad aheyn"". Mr Silvawuxuu intaasi ku daray: ""Waa wax aan macquul aheyn oo UK waxay toddobo jibbaar ka kiisas Covid-19 badan tahay Portugal , marka waxay ila tahay in taasi aanay aheyn habka xulafada iyo saaxabadu iskula dhaqmaan"". Dhinaca kale warsaxaafadeed ay soo saareen shirkadaha duulimaadka ee, EasyJet iyo British Airways ayaa tibaaxay in tallaabada dadka lagu karantiilayo ay tahay mid aan caqli gal aheyn oo dhaawacaysa dhaqaalaha iyo nidaamka duulimaadyada. Inkastoo go'aankan ay soo saartay dawalda Britain haddana waxaan qayb ka aheyn maamulada Scotland, Wales iyo Ireland-ta Waqooyi, kuwaasi oo ku dhaliilay xukuumada Ra'isalwasaare Johnson go'aankan. Ra'isawasaare Boris Johnson ayaa shirkiisa jaraa'id wuxuuu ku sheegay in inkastoo xayiraaduhu ay badbaadiyeen nolol badan haddana waxyeelo weyn ay u gaysatay dhaqaalaha. isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri: ""Waxaan shaki ku jirin xayiraaduhu iney badbaadiyeen boqollaal kun oo qof laakiin hadda waxay saameyn aad u ba'an ku yeesheen habka noolasheenna iyo dhaqaalaheenna iyada oo aan weli xayiraadaha si dhammeystiran loo qaadin, yoolkeenna wuxuu ku dambeyn doonaan inaan dad badan u fasaxno si noolashooda caadiga ah ay dib ugu billaabaan, hab caddaalad ah oo bad qab ah"". Wadamada kale ee liiska karantiilka aan ku jirin ayaa waxaa ka mid ah Australia, Barbados, Hong Kong, Japan, New Zealand iyo Vietnam." https://www.bbc.com/somali/war-53289428 +business $20,000 oo hormaris ah: Maxay qaali u tahay in guri laga kireysto Nigeria? "Helitaanka guri fiican oo rakhiis ah, waa dhibaato guud oo haysata dhalinyaro badan oo Nigeria u dhashay oo ku nool meelo kala duwan oo dalkaas ah. Balse magaalada ganacsigeedu uu korayo ee Lagos, aad ayay u dhib badan tahay in laga helo guri iyadoo milkiilayaasha guryaha ay dalbanayaan in kirada aad sannad sii hormariso. Labo qol oo aad dabaq ka kireysato, oo koronto leh, una dhow halka ugu badan ee ay ganacsiyada magaalada ku yaallaan ee Victoria Island, waxaa lagu weydiinayaa inta u dhaxaysa $11,000 (£8,600) ilaa $22,000 iyo wixii ka badan. Guud ahaan, guryaha isugu ay degaan dadka dabaqadda dhexe iyo kuwa sare wuxuu qiimaha lagu kreysto uu u dhaxeeyaa $5,000 ilaa $40,000 sannadkii. Qiimahaas waa mid ay dad yar oo keliya awoodi karaan. Mid ka mid ah sababaha ay qaali u tahay kirada guryaha ayaa ah in qiimaha dhulka iyo dhismahaba ay qaali ka yihiin Lagos. Sidoo kale, waxaa gabaabsi ah guryaha yaryar ee dadka danyarta ah ay doorbidaan in ay degaan. Hannaanka kirada la hormarsado ayaa ku habboon milkiilayaasha guryaha, balse qaar ka mid ah dadka kireysta guryaha ayaa si kala duwan u maareeya arrintaas. Bankole Oluwafemi, oo ah ganacsade da'yar ah, ayay u suurto gashay inuu helo guri ku yaalla Lekki - oo ah xaafad fiican. Waxaa guriga la deggan dad kale oo uu ka kireeyay. Dadka qaar ayaa lacagta soo deensada, ama ka soo qaata waalidkood, qaarkoodna inta ay qaraabadooda la deggan yihiin ayay lacagta meel dhigtaan, halka shirkadaha qaarna ay lacago deymiyaan shaqaalahooda. Balse Mr Oluwafemi ayaa gurigaasi helay isagoo adeegsanaya barta guryaha laga kireysto ee Fibre. Bartan online-ka ah ayaa u suurtogelineysa dadka isticmaala inay guryaha ku kireystaan si fudud. Kireystayaasha ayaa la siiyaa inay kala doortaan inay si bille ah u bixiyaan kirada amaba inay saddexdii bilood mar bixiyaan, taasoo laga yaabo in wax aan caadi ahayn ay ka tahay qeybo badan oo dunida ka tirsan, balse Nigeria caadi ayay ka tahay. Kaddib markii ay Mr Oluwafemi dhammeeyay waxbarashada jaamacadda heerka koowaad, wuxuu u wareegay Lagos sannadkii 2011, laakiin wuu awoodi waayay inuu bixiyo kirada labo sano oo hormaris ah, taasoo xilligaas loo oggolaa milkiilayaasha guryaha inay dalbadaan. Markii uu waayay guri ku habboon in la dego, wuxuu seexan jiray dhulka qol uu la wadaagi jiray 10 qof oo kale. Muddo ka dib markii uu ka mid noqday milkiilayaasha shirkad tiknolojiyadda ka shaqeysa, wuxuu go`aansaday inuu xafiiskiisa seexdo si uu uga baxsado bixinta kirada guri iyo lacaga dheeraadka ah ee laga rabo. ""Inaad ku noolaato Lagos keliya kaama rabto inaad noqoto kireyste, balse siyaabo kala duwan marka loo eego, waxaad isku tahay dowladda hoose,"" ayuu yiri Mr Oluwafemi, isagoo qoslaya. Wuxuu uga jeeday in marka laga reebo qiimaha kirada, kireystayaal badan waxaa laga doonayaa inay bixiyaan lacagta biyaha iyo korontada, taasoo dhib ah lacag badanna ay ku baxdo, sababtuna waxay tahay shidaalka ay u baahan yihiin matoorrada. ""Fibre inkastoo ay kuu suurtogelineyso in aad lacagta bil ahaan u bixiso, haddana guryahaas tayo fiican malaha. ""Dadka ku nool qeybaha kale ee dunida way iska fududeystaan waxayabahan, balse waxaan ku nool nahay Nigeria."" Inkastoo dowladda Nigeria ay soo saartay sharci, sannadkii 2011, kaa soo xaddidaya xaqa ay milkiilayaasha guryaha u leeyihiin inay dalbadaan wax ka badan kirada sannad hormaris ah, balse hirgelintiisa ayaa dhib noqotay. Sida uu qabo khabiir dhanka guryaha ah, Dolapo Olumidire, Lagos waa suuqa milkiilayaasha guryaha. ""Waxay awood u leeyihiin inay kireystayaasha ku qasbaan waxa ay doonayaan,"" ayuu yiri. ""Waxay dhihi karaan: 'Tani waa sidaan rabo. Haddii aadan jecleyn meel kale aad."" Demi Ademuson iyo Obinna Okwodu ayaa saddex sano kahor aasaasay Fibre waxayna iskaashi la yeesheen milkiilayaasha guryaha si dadka ay u helaan guryo wanaagsan oo qiimahoodu jaban yahay. Shirkaddan oo ujeeddadeeda ugu weyn ay tahay inay dadku helaan guryo ay awoodaan, ayaa haddana la kulanta caqabado. Iyadoo ilaa 200 oo qof ay bartaasi guryaha ku kireystaan, 5,000 oo kalena ay liiska sugitaanka ku jiraan, Fibre ayaa daboosha baahi yar, balse waa hab bilow ah oo hore loogu socon karo. Si kastaba, milkiilayaal badan ayaan dooneyn inay lacagaha bil ahaan u qaataaan. Deborah Nicol-Omeruah, oo guryo ku leh Lagos, ayaa ka warheysa sida bixinta kirada billaha ah ay u fiican tahay milkiilayaasha, balse waxay doorbideysaa hannaanka haatan jira. ""Lacagta badan waxay kuu suurtogelineysaa in aad bixinta waxyaabaha waaweyn u adeegsato. Tusaale ahaan, haddii lagaa doonayo bixinta lacagta iskuulka amaba aad fasax aadeyso lacagtaas ayaad ku bixineysaa."" Tan ugu muhiimsan, Ms Nicol-Omeruah ayaa qabta, in kireystayaasha ay bixiyaan lacagta 12 bilood oo hormariska ay ay faa`iido u tahay milkiilayaasha. ""Marka uu qofku bil walba bixinayo, waxaa laga yaabaa in aad mar walba ku daba joogto bixinta lacagta. ""Hannaanka hadda jira, keliya sannadkii mar baad ka daba ordeysaa kireystaha inuu lacagta bixiyo."" Waaxda guryeynta malaha cid ay maamusho, sida uu qabo Mr Olumidire, oo ogaaday in keliya milkiilayaal yar ay doonayaan inay guryahooda ku maalgeliyaan lacagta loo baahan yahay in lagu dhiso guryo tayo leh. Wuxuu xusay in tani ay abuureyso farqi u dhaxeeya danaha ddka guryha kireysta iyo waxa suuqa yaalla." https://www.bbc.com/somali/war-50290577 +business Maxaad kala socotaa warshadda daqiiqadii soo saarta 6,000 oo irbadood? Waxaa aad u batay dalabka Irbadaha dadka lagu mudo xilligan oo caalamka fara ba'an ku hayo Feyriska Corona. Mid ka mid ah warshadaha waawayn ee soo sara irbadaha lagu mudo bukaanada ayaa ku taalla dalka Hindiya, waxaana xilligan ay wajahaysaa culeys badan. Warshadda ayaa daqiiqadii imika soo saartaa 6,000 oo irbadood. Rajiv Nath, oo ah madaxa warshada ugu wayn ee Irbadaha soo saarta dalka Hindiya ayaa sheegay in dalabka Irbadaha uu xiligan aad u badan yahay maadaama caalamka uu ka socdo tallaalka feyriska Corona. Waxaa uu intaa ku daray in uu celiyo ilaa 40 dalab maalin kasta taasi oo uga imanaysa guud ahaan caalamka. Mr Nath oo ah madaxa shirkadda irbadaha soo saarta ee Hindustan Syringes & Medical Devices (HMD) ayaa sheegay in gudaha Hindiya maadaama laga bilaabay tallaalka ay ka helaan dalabaad badan. Warshada ayaa imika maalinkii soo saarta 4 milyan oo irbadood. Balse Mr Nath ayaa sheegaya in marka wax soo saarkooda la eego uusan ku filnayn oo uusan kaafin Karin baahida jirta. Caalamka ayaa u baahan 10 billion oo irbadood si loo tallaalo 60% bulshada caalamka ku nool. Mr Nath ayaa rajeynaya in la heli doono wada shaqeyn dhex marta hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO, dowladaha iyo warshadaha soo saara Irbadaha si xal loo helo baahida jirta. Warshada Hindustan Syringes & Medical Devices (HMD) ee soo saarta Irbadaha ayaa waxaa sanadkii markii hore ay soo saari jirtay 2.5 bilyan oo irbadood. Balse sanadkan baahida jirta awgeed waxay warshadda la qorsheynayaa in ay soo saarto 2.7 bilyan oo irbadood. Rajiv Nath, ayaa xusay in ay sidoo kale ku qasbanaadeen in ay qoraan shaqaalo cusub oo ka qeyb qaata howsha culus ee soo saaridda Irbadaha bukaanada lagu mudo. Waxaa uu intaa ku daray in ay shaqaaleysiiyeen oo ay tababareen shaqaala tiradooda u dhaxeyso 500 ilaa 1000 qof. Mr Nath ayaa sheegay in maalinkii ay helaan 30 ilaa 40 Email oo uga yimaada dalal ay ka mid yihiin Jarmalka,Mareykanka, Taliyaaniga iyo Britain kuwaasi oo dalbanaya Irbado si loogu adeegsado tallaalka. Madaxa warshada Hindustan Syringes & Medical Devices (HMD) ayaa farta ku fiiqay in ay isku dayayaan sidii ay isugu dheelitiri lahayeen baahida dalka Hindiya iyo midda guud ahaan caalamka. Dalabka Irbadaha ayaa sare u kacay tan iyo intii la shaaciyay in la helay tallaalka feyriska Corona. Warshada Hindustan Syringes & Medical Devices (HMD) oo ka mid ah warshadaha ugu waawayn ee soo saara irbadaha lagu mudo bukaanada ayaa xilligan wajaheysa culuyso iyo dalabaad badan. https://www.bbc.com/somali/war-56473564 +politics Xaaska hoggaamiye Muslim ah oo loo heysto inay sixir miciin bidday "Eedeymo sixir, xatooyo iyo musuqmaasuq ah ayaa hareeyay Pakistan iyadoo dalkaasi uu wajahayo xilli adag oo lagu wado in codka kalsooni darrada loo qaado Ra'iisul Wasaare Imran Khan. Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan iyo xaaskiisa saddexaad, Bushra Bibi, oo sidoo kale loo yaqaanno Bushra Riaz, kuma cusba in lagu eedeeyo arrimo yaab leh. Balse markan xaalku si kale ayuu noqday oo waxaa hadda loo heystaa eedeymo musuqmaasuq iyo sixir ah. Baarlamaanka Pakistan ayaa maanta yeeshay kalfadhi muhiim ah, iyadoo qaraar codka kalsooni darrada loogu qaadayo Ra'iisul Wasaare Imran Khan la soo saari doono. Waxaana jirta dacwad cusub oo ku saabsan in Bushra Bibi ay isku dayeyso inay badbaadiso dowladda Imran iyadoo adeegsaneysa sixir. Shahbaz Sharif, Hoggaamiyaha Mucaaradka Pakistan isla markaana ka mid ah dadka ugu cadcad ee raysal wasaarenimada u tartamaya, ayaa sheegay in hilib aad u badan oo sixir ahaan loo adeegsanayay lagu gubay guriga Imran Khan. Hadalka Shahbaz wuxuu toos ugu socday Bushra Bibi, oo dhowr jeer oo la sheegay in hore sixir loogu eedeeyay. Shehbaz Sharif ayaa wareysi uu siiyay telefishin gaar loo leeyahay wuxuu ku sheegay in dadka saboolka ah ay dhibtoonayaan carruurtuna caano u oynayaan, balse digaag badan sixir ahaan loogu gubay deegaanka Bani Gala. Pakistan ayuu xaalkeedu qasnaa tan iyo markii xisbiyada mucaaradka ay baarlamaanka u gudbiyeen codka kalsooni darrada in loo qaado raysal wasaaraha, iyagoo sheegay dowladda Imran Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaaf ay mas'uul ka tahay dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka iyo sicir bararka. Imran Khan, ayaa sheegay inuusan is casili doonin, inkastoo ay jiraan baaqyo uga imaanaya mucaaradka oo ku aaddan inuu xilka banneeyo maaddaama uu ku soo fool leeyahay mooshin isaga ka dhan ah, kaas oo noqon doona caqabaddii ugu weyneyd ee soo marta tan iyo intii uu xilka qabtay sanadkii 2018. Xisbiga Imran Khan ee PTI 155 xubnood ayuu ku leeyahay xildhibaannada 342 ka kooban ee baarlamaanka dalkaas, waxay dowladdiisu u baahan tahay ugu yaraan 172 xildhibaan oo kale si ay xilka usii heyso. Axadda soo socota ayuu Khan dadka ku casuumay bandhigga awoodda xisbiga talada haya oo lagu qaban doono Parade Ground ee Islamabad, isagoo dadka ku casuumay inay ku taageeraan ""iska dhicinta sheydaanka."" Sanadkii 2018, Khan ayaa guursaday Bushra Bibi iyadoo magaalada Lahore loogu dhigay xaflad aysan dad badan kasoo qeyb gelin. Khan ayaa xilka raysal wasaarenimada qabtay lix bilood kaddib guurkooda. Bushra Bibi waxay ka mid tahay dadka dalkaasi laga aaminsan yahay inay leeyihiin awoodo aan caadi ahayn oo u gaar ah. Gudaha Pakistan, waxaa looga yaqaannaa Pinky 'pirni' (haweeney barakeysan) ama Pinki Bibi. Khan ayaa la sheegay inuu ""la talin awoodda aan caadiga ahayn"" u doontay haweeneyda barakeysan. Si ka duwan labadii xaas ee hore ee Khan, Jemima Goldsmith iyo Reham Khan, Bushra Bibi inta badan kama soo muuqato bulshada dhexdeeda." https://www.bbc.com/somali/war-60878858 +health Dhakhaatiir ku khasban inay bukaannada qaar daweeyaan qaarna iska daayaan iyagoo dhimanaya "Dhakhaatiirta safka hore uga jira dagaalka ka dhanka ah Caabuqa Corona ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay inay kala dooranayaan bukaannada ay noloshooda badbaadinayaan iyo kuwa aysan badbaadineynin. Xilli ay sii badanayaan dadka uu ku dhacayo cudurka, maalin walbana ay boqollaal qof kusoo biirayaan, Talyaaniga ayaa xaalad adag ku wajahaya sidii bukaannada loogu heli lahaa sariiraha isbitaallada oo ku filan - Xaaladdan ayaana lagu tilmaamay mid la arko xilliyada ay socdaan dagaallada lagu hoobto oo kaliya. ""Haddii qof ay da'diisu u dhaxeyso 80 ilaa 95 neefta ku dhaggantahay, uma badna inaad u dhaqaaqdo sidii aad u daweyn lahayd,"" ayuu yiri Dr Christian Salaroli, oo madax ka ah qeybta bukaannada halista ah loo gudbiyo ee isbitaalka magaalada Bergamo ee ka tirsan gobolka waqooyiga Talyaaniga dhaca ee Lombardia, mar uu la hadlayay wargeyska Corriere della Sera. ""Erayadan waa kuwo aad u xun, laakiin waxaa wax laga qoomameeyo ah inay run yihiin. Ma fileyno inay dhacaan waxa aad ugu yeertaan mucjiso."" Laakiin arrintani ma waxay khuseysaa Caabuqa Corona ee ku faafay Talyaaniga, taasoo micnaheedu tahay in go'aannada la xiriira nolosha iyo geerida ay lagama maarmaan yihiin? Caabuqa Corona wuxuu si gaar ah dilaa uga noqday waddanka Talyaaniga - 1,000 dhimasho ayaa la diiwaan galiyay, halka tirada dadka uu ku dhacay ay marayaan 24,747 qof. Waddankan ayaa ah kan labaad ee ay ku nool yihiin waayeellada ugu badan adduunka, marka laga soo tago kan koowaad oo ah Japan, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay. Taasi micnaheedu waa in dadka da'da ah ay halis ugu jiraan inay aad u xanuunsadaan marka uu ku dhaco cudurkan. Horaantii bishan, hay;ad dalka Talyaaniga u qaabilsan arrimaha gurmadka caafimaadka, oo magaceeda loo soo gaabiyo SIAARTI, ayaa soo saartay warbixin ay dhakhaatiirta uga digeyso inaysan isbitaallada ka heli karin sariiro ku filan oo bukaannada oo dhan lagu daweeyo. Waxay hay'addan dhakhaatiirta kula talisay in halkii ay ugu adeegi lahaayeen bukaannada sida ay u kala horreeyaan, ay qaataan ""go'aanno adag"", iyadoo xoogga saaraya bukaannada ay u maleynayaan inay si dhakhso ah u bogsan karaan haddii daweyn heer sare ah la siiyo. ""Arrintu ma aha in hay'adda SIAARTI ay soo jeedineyso in bukaannada qaar la daweeyo qaarna laga xannibo daweynta. Waa sidaas cagsigeeda, xaaladda taagan ayaa dhakhaatiirta ku kallifeysa inay diiradda saaraan daweynta bukaannada ay dawada wax u tareyso,"" ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hay'adda. Talyaaniga wuxuu leeyahay qiyaastii 5,200 oo sariiraha loogu talagalay bukaanka xaaladda halista ah ku jira, in badan oo ka mid ah sariirahanna waxaa horayba u buuxiyay bukaanno ay neefsashada dhibeyso. Gobollada Waqooyiga ku yaalla ee Lombardy iyo Veneto waxay leeyihiin kaliya 1,800 oo sariiraha nooaas ah, oo ah marka la isku daro kuwa laga heli karo isbitaallada dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahayba. Dr Stefano Magnone, oo ka shaqeeya gobolka Lombardy, ayaa BBC-da u sheegay in ay gaarayaan meesha ugu dambeysa ee awooddooda ah. ""Xaaladdu way kasii dareysaa maalinba maalinta ka dambeysa, sababtoo ah waxaan kusii dhawaaneynaa halka ugu dambeysa ee ay gaarsiisan tahay tabarteenna dhinaca sariiraha loogu talagalay bukaannada xaaladdooda halista tahay, iyo sidoo kale qeybaha kale ee caadiga ahba, wayna sii adkaaneysaa in la daweeyo dadka uu ku dhacay Corona, maadaama ay tirada aad usii badaneyso,"" ayuu yiri. ""Gobolkeenna wuxuu gabi ahaanba gaaray heer uusan waxba qaban karin, wayna naga soo xirmeen awoodihii dhinaca bani'aadanka iyo kuwa tiknoolojiyadda labadaba"". Horaantii isbuucan, waxaa barta Twitter-ka si weyn ugu faaftay qirashadan uu sameeyay Dr Daniele Macchini, oo ah dhakhtar ka shaqeeya qeybta bukaannada halista ah ee loo yaqaanno ICU-da ee gobolka Bergamo. Dr Salaroli wuxuu u sheegay wargeyska Corriere in shaqaalaha caafimaadka dareenkooda uu yahay ""mid aad u naxdin badan"" iyadoo qaar ka mid ah dhakhaatiirta la shaqeysana ay niyad jab weyn ka qaadeen go'aannada adag ee ay gaarayaan. ""Waxay arrintan qabsan kartaa Dhakhtar rug caddaa ah oo wax badan shaqeynayay iyo mid dhalinyaro ah hadda kusoo biiray shaqada labadaba, waxaana laga rabaa inay go'aan ka gaaraan wax ku xiran bani'aadannimadooda,"", ayuu yiri. ""Waxaan arkay kalkaaliyeyaal khibrad 30 sano ah leh oo oynaya iyo dhakhaatiir rug caddaayo ah oo jareynaya marka ay bukaannada la tacaalayaan."" Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga, Luigi Di Maio, oo la hadlayay BBC-da, ayaa ugu baaqay Yurub inay ugu deeqaan qalabka Isbitaallada. Laakiin wuxuu sidoo kale muujinayay rajo wanaagsan, isagoo sheegay in ilaa hadda ay jiraan 10 magaalo oo ka tirsan Waqooyiga Talyaaniga oo uusan wali cudurka gaarin, kuwaasoo laga xayiray in la galo ama laga baxo. ""Talyaaniga waa waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan Yurub oo uu saameeyay Caabuqa Corona,"" ayuu yiri Di Maio. ""Laakiin waxaan sidoo kale rajeynayaa in Talyaaniga uu noqdo waddanka ugu horreeya ee ka baxa xaaladdan halista ah""." https://www.bbc.com/somali/war-51903619 +health "Sacdiya oo qabta HIV: ""Waa la i caayaa, carruurteydana waa la garaacaa""" "Sannadkasta, 1 December waxaa la xusaa maalinta caalamiga ah ee caabuqa HIV/AIDS. Dadka Soomaalida kuma badna, balse tirada yar ee qabta waxay la kulmaan faquuq iyo dhibaatooyiin kale. Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa sheekada dhowr qof oo xanuunkaas qaba iyo sida ay noloshoodu tahay: Magaalada Wajeer waxaa ku nool Soomaali, balse waxaa jiro arrimo badan oo qarsoon oo halkaas ka jira oo aan laga hadli karin. . Waxaa jiro dad badan oo ku nool dhibaato iyo faquuq ay kala kulmayaan bulshada ay la nool yihiin. Sababtu waxay tahay in ay qabaan xanuunka HIV. Meel safar saacad ah magaalada kaga beegan dhanka galbeedka, waxaa ku nool Sacdiyo - waa magac aan ugu yeernay ka dib markii magaceeda saxda ah la qariyay sababo badqabkeeda la xiriira. Sacdiyo waxay la nooshahay saddex carruur ah oo ay dhashay. Cannuga ugu weyn ayaa 11 sano jir ah. Mid ka mid ah carruureetadana waxay la dhalatay caabuqa HIV. Sacdiyo xitaa lugaheeda kuma istaagi karto. Waxaa laga helay xanuunka HIV. Waa qof sabool ah, waxayna ku qasbanaatay in carruurteeda ay u shaqeysato in kastoo si wayn loo faquuqo. ""Toddobo sano maarkin ninkeyga waxaa igu dambeysay 2013-k-ii, bisha kowaad. Inuu dhintay ama uu nool yahay war kama haayo"", ayey tiri Sacdiya. Waxaa cudurka laga helay Sacdiya ""mar ay isbitaalka geysay gabadheeda yar oo xanuunsatay"". ""Markii ay dhaqaatiirta baareen waxay ka heleen xanuunka HIV-AIDS. Aniga ayay sidoo kale i baareen, waana la iga helay"", ayey sheegtay. Sacdiya aad ayay uga naxday markii ay maqashay warka, diyaarna uma ahayn in ay ka hor tagto waxa ku soo socda. Isla markii ay xaaladaan kusoo korortay waxay noqotay mid la neceb yahay oo bulshada k takooran. ""Waxaa la igu dhahay ka guur, meshii aan degenaa, deriskayga way i caayaan, carruurtooda ayayna igu soo direen,"" ayey tiri iyadoo murugo ay ka muuqato. Waxay sheegtay in hal ceel oo ay leedahay dumaashideed uu walaalkeed qabo loo ogol yahay in biyo ay ka soo dhaansato. Waxay intaa ku dartay: ""Way i faquuqeen illaa heer aanan wax ka amaahan karin, ma jiro qof dan iga leh, nolol ama geeri."" Waxay tilmaamtay Sacdiya, in biyaha ceelka aysan dhaansan karin, iyo in la aflagaadeyo marka ay xaafadaha dhex socoto. ""Carruurta way iga garaacaan markay arkaan"", ayey sheegtay. Markii ay bateen dhibaatooyiinka loo geysto, waxay go'aansatay in aysan guriga ka bixin, mana jirto cid ku booqata halkaas. Sacdiya ayaa ii sheegtay in ay iskaga dulqaadato waxwalba oo ku dhaca, balse ay ka walwalsan tahay nolosha iyo mustabalka carruurteeda. Jamaal - waa magaca aan ugu yeernay si aqoonsigiisa loo qariyo - wuxuu qabaa caabuqa HIV, wuxuu ku noolyahay duleedka magaalada wajeer. Halkaas ayuu u guuray ka dib markii uu la kulmay faquuq aad u daran. ""Gurigii ugu horreeyay ee aan ku noolaa markii aan guursaday, waa la iga saaray. Waxaan u guuray mid kale oo haddana la iiga daba yimid. Waxay (milkiilihii guriga) ku dheheen 'ninka aad guriga ka kireysay waa nin xun oo qaba cudurkii weynaa"", ayuu yiri. Jamaal wuxuu sheegay in markii uu ""caatoobay"" oo ay ogaadeen saaxibidiisa iyo qoyskiisaba in uu cudurka qabo ay billaabeen in ay ka cararaan oo aysan u soo dhowaan. Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee caabuqa HIV ee Kenya waxay muujinayaan in ay marayaan meeshii ugu hooseysay, iyada oo la diiwaangaliyay 52,000 oo kiis. Taas waxay ka dhigan tahay in 49 kun oo qof oo da'yar ah ay qaadeen xanuunka, kuwaas oo da'doodu u dhaxayso 15 illaa 49 sano. Dadka uu cudurka ku dhacay ee carruurta ah ee da'doodu ka hooseyso 14 sano jir, waxay sannadkii hore ee 2018 ahayd 8000 qof, guud ahaan Kenya. Inkasta oo degmada Wajeer ay ka mid tahay kuwa ugu waaweyn Kenya, haddana waa meesha tirada ugu yar ee cudurkan qaba ay ku nool yihiin, waxaana lagu qiyaasay 0.2% boqolkiiba. Dhaqaatiirta ka shaqeysa daweynta iyo baaritaanka caabuqa ee Wajeer waxay aaminsan yihiin in dadka aysan isbaarin iyagoo ka baqaya in la faquuqo haddii laga helo cabuqa. Waxa arrinta sabab u ah fikradaha qaldan. Xasan Cismaan oo ka tirsan xarunta lagu baaro caabuqa ayaa yiri: ""Waxaa jiro dad badan oo aan iska baarin cudurka oo aan aragnay, tusaale ahaan, bishan waxaan diiwaangelinay 8 qof oo qabta cudurka taasi waxay ka dhigantahay in bulshada ay ku dhex nool yihiin dad qabo HIV, laakiin takoorka lagu hayo dadka la nool cudurka ayaa ka hor istaageysa inay isbaaraan. ""Bulshada muslimiinta way ka cabsadaan in ay cudurka iska baaraan sababtoo ah, haddii ay u yimaadaan inay isbaaraan oo ay qoysaskooda arkaan, waxaa lagu tirinayaan inay Sineysteen, taasna waxaa ka dhalanaya in la takooro umana suuragaleyso in bulshada ay ku sii dhex noolaadaan,"" ayuu hadalka ku daray. Dadka faro ku tiriska ah ee isa soo bixiyay ee shaaca ka qaaday in ay qabaan HIV, waxay billaabeen in ay dadka kale ku wacyigeliyaan arrintan iyo joojinta faquuqa. Balse ka hor inta aysan gaarin bulshada kale, waxay u baahan yihiin in dhexdooda ay is raadsadaan si ay isku taageeraan ""Waan is caawinaa. Deeq bixiyaasha ayaan codsiyo u qoranaa si ay inooga caawiyaan shirarka aan qabsano. Midba midka kale ayuu u sharaxaa in aanu nahay hal qoys,"" ayuu yiri Jamal. Wuxuu intaa ku daray: ""Ma ahan in aan niyad jabno. Dunidan waan ku noolaan karnaa inagoo la nool cudurka HIV/AIDS. ""Waxaa jiro dad badan oo ina takooray balse hadda way dhinteen inaguna weli waan nool nahay, marka sidaa darteed dawadeena aanu u qaadano sida dhakhaatiirta ay inoogu qeexeen,"" ayuu sheegay isagoo wacyigelinaya dadka kale ee xanuunkan qaba. Isagoo qiraya in arrinta ay agtahay wuxuu yiri: ""Qof Soomaali ah oo la nool HIV, way ku adagtahay inuu bannaanka u soo baxo oo uu yiraahdo 'waxaan qabaa cudurka HIV/AIDS'. Jamal wuxuu dhaqaatiirta ugu baaqay iney ""shaqo dheeraad qabtaan si dadka ay isaga baaraan cudurka"". Sida ay khubarada sheegayaan, waxaa malin kasta la maqlayaa ""warar naxdin leh oo ku saabsan faquuq lagula kacay dadka la nool xanuunka HIV ee ka tirsan bulshada Soomaalida"". dadkaasi qaarkoodna waxay doonayaan cid caawisa iyo dad ay dhibaatadooda u shegtaan. In kastoo gabis ay yihiin, waxaa jiro tallabooyiin wax looga qabanayo dhibaatada ay la kulmayaan dadka la xanuunsan HIV ee ku nool Wajeer." https://www.bbc.com/somali/war-50619562 +politics Kenya ma waxay dhiseysaa buundooyin aan jiho lahayn? "Musalsalkeenna aan ku magacownay Warqadaha laga soo qoray Afrika, ayuu wariye Waihiga Mwaura diiradda ku saaray su'aal ku saabsan in buundo loo sameyn karo kala qeybsanaanta Kenya. Kow iyo labaatan bilood ka hor, hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta, oo ahaa siyaasiga ugu weyn ee ay iska soo horjeedeen, ayaa isgacan qaaday. Waxay si dhab ah iskugu salaameen warbaahinta hortooda, waxaana tallaabadaas loo bixiyay magaca ah ""isgacanqaadkii"". Arrintaas ayaa soo afjartay xiisado iyo muran siyaasadeed oo salka ku hayay natiijadii doorashada madaxweynaha, taasoo mar walba abuureysay kalaqeybsanaan uu dhiig ku daato oo ka dhacda Kenya. Labada hoggaamiye ayaa isku raacay inay si wadajir ah u xalliyaan dhibaatada keeneysay xasilooni darrada. Howshan, oo lagu magacaabay hannaanka dhistaanka buundooyinka(BBI), ayaa lagu eegay sagaal arrimood - oo ay ka mid yihiin colaadda qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo maamul wadaagga - waxaana la aaminsan yahay inay kuwaas yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee ay Kenya wajahday tan iyo markii ay xorriyadda qaadatay sanadkii 1963-kii. Ka dib markii muddo 18 ah lagu wareegayay waddankan ku yaalla bariga Afrika, guddigii loo xilsaaray BBI-du waxay soo saareen warbixin lagu muujiyay natiijada soo baxday iyo talooyin la socday. Mr Odinga ayaa munaasabad lagu daahfurayay warbixinta laga soo diyaariyay BBI-da ka sheegay in ka hor inta aan howshaas la billaabin uu waddanku qarka u saarnaa inuu ka dhaco gabi dheer. Madaxweynaha oo isagana halkaas ka hadlay ayaa yiri: ""Waxaan ku jirnay xaalad aad u xun, waddan ahaan. Qaar ka mid ah bulshooyinka meel walba way kasoo xirantay"". Labadan hoggaamiye ayaa soo dhaweeyay warbixinta ay soo diyaariyeen guddiga BBI-da. Qaar ka mid ah arrimihii ugu waaweynaa ee lagu soo jeediyay BBI-da: Soo jeedin kale oo ku jirtay talooyinka warbixinta ka koobneyd 156-da bog ayaa ahayd in waalidiinta loo sameeyo waxbarasho ku saabsan hannaanka fiican ee waalidnimada, ""taasoo loo sameynayo dhammaan waalidiinta cusub, si ay u ogaadaan sida saxda ah ee loo koriyo carruurta iyo caawintoodaba"". Dadka qaarkiis ayaa soo dhaweeyay talooyinkan, waxayna ku tilmaameen kuwo mideynaya waddanka, dibna loogu dhisayo qaranka. Waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay in warbixintaas aysan taageerin in canshuuraha lagu kordhiyo shacabka, sida horayba looga cabsi qabay. Laakiin warbixintaas ayaa dhanka kale looga soo horjeestay qodobbada qaar. Dadkii cambaareeyay qaarkood ayaa sheegay in markii uu dhacay qalalaasihii doorashadii 2007-dii la soo saaray warbixinno kala duwan, guddiyadii loo xilsaarayna ay eegayeen waxyaabaha sababay qalalaasaha, iyagoo farta ku fiiqay dhulalka sharcidarrada lagu heysto iyo sidoo kale dambiyada la xiriira dhaqaalaha iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha. ""Maxaa boorka looga jafi waayay warqadihii hore intii lacag dhan 10bilyan oo doolar lagu bixin lahaa soo saarista warbixin cusub"", sidaas waxaa yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo lagu magacaabo Patrick Munene. Warbixintan ayaa timid xilli ay dowladdu wajaheysay dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah - wasiirka maaliyadda ayaana qorsheynayay barnaamijyo lagu yareyn karo kharashka la isticmaalo. Wariyaha BBC-da waxaa si gaar ah u saameeyay dareenka uu muujiyay nin ka mid ah waardiyeyaashii xarunta lagu qabtay munaasabaddii lagu soo bandhigay warbixinta BBI-da. Ninka waardiyaha ah ayaa wariyaha weydiiyay inuu u sheego waxa ay ka hadashay warbixintu, si kooban ayuuna ugu sharraxay. Markaas ka dib ayuu ka cawday in dhammaan waxyaabaha uu maqlay aysan ku jirin sidii loo xallin lahaa caqabadda markaas isaga heysatay - oo ah in uu saacado badan shaqeeyo(12 saacadood, 6 bari isbuucii), mushaar aad u yarna la siiyo. ""Shaqo mushaarkeeda uu yahay $131 doolar waxaa lagu helaa si dhif ah, goobaha qaarna waa lagu ciqaabayaa haddii aad shaqada uga maqnaatid xanuun"", ayuu yiri Daahfuritaanka rasmiga ah ee warbixinta BBI-da ayaa sababay su'aalo badan oo la iskaweydiinayay sida uu yahay hannaanka dimuqraaddiyadda ee Kenya. Madaxweynaha ayaa u muuqday inuu aad ula faraxsanaa Mr Odinga, uuna ula sheekeysanayay si ka badan sida uu ula sheekeysanayay xubnaha xisbigiisa gaarka ah - taasina waxay dhalisay su'aalo badan oo mar kale la galinayo halka uu maray codkii mucaaradka. Muddo sannad gudihiis ah, oo ku wakhtiyeysan markii ay isgacan qaadeen labada hoggaamiye ee ugu waaweyn siyaasadda Kenya, dad badan waxay aaminsan yihiin inuu meesha ka baxay islaxisaabtan badan oo horay u jiray. Tusaale ahaa, waxaa arrimaha aan meesha ay ku dambeeyeen la ogeyn ka mid ah musuqmaasuqii uu soo bandhigay guddoomiyaha bangiga dhexe ee lagu eedeeyay wasiirkii hore ee maaliyadda, kaasoo xilkiisa ku waayay arrimahaas dartood. Markii uu madaxa caddaaladda horaantii bishan ku eedeeyay dowladda inay si ula kac ah cadaadis ugu saareyso ""yareynta miisaaniyaddooda"", hoggaamiyeyaasha siyaasaddu way ka gaabsadeen inay arrintaas ka hadlaan. Markii ay soo baxeen wararka ku saabsan in bangiga dhexe ee dhiigga uu ka sii dhammaanayo keydka dhiigga, dowladdana lagu dhaliilay inay iibisio, ma jirin siyaasiyiin ka tirsan garabka mucaaradka oo baaritaan ku dhaqaaqay. Talooyinka lagu soo jeediyay BBI-da waxaa horyaalla waddo dheer, ka hor inta aan la dhaqan galinin, waxaana xitaa laga yaabaa in afti qaran loo qaado." https://www.bbc.com/somali/war-50641887 +health Cuntooyinka mustaqbalka: Cuntooyinka la isticmaali doono marka la gaaro sanadka 2050 "Cilmibaarayaasha qaabilsan arrimaha seyniska ayaa diyaariyay liis ay ku jiraan cuntooyin aan la aqoon oo la sheegay in dunida laga isticmaali doono marka la gaaro sanadka 2050-ka. Mustaqbalka, waxaad ku quraacan kartaa nooc kamid ah mooska loogu magac daray 'Enset' ama waxaad cuni doontaa miro geedaha qaar oo aan haatan wax badan laga aqoon. Dagaalka Ukraine waxa uu iftiimiyay halista ka imaan karta in lagu tiirsanaado oo kaliya ah dalagyo yar oo caalami ah kuwaas oo laga ganacsado. Isbaddalada cimilada ayaa hosreeday in cunto gabaabsiga ka jirta meelaha iyadoo dalagyadii la beeri jirnay ay saameeyeen isbaddalada cimilada, waxaana sareu kacay qiimaha cuntooyinka qutul duruuriga ah. In la helo cuntooyin kala duwan waxay xal u noqon kartaa ka hortagga gaajada iyo in wax laga qabto dhibaaooyinka ka dhasha saameynta xun ee isbaddalada cimilada, ayuu yiri Dr Sam Pirinon oo ah cilmi baare ka tirsan macadka qaabilsan cilmiga geedaha ee Kew ee ku yaalla London. ""Waan ognahay in ay jiraan kumanaan nooc oo dhir ah oo la cuni karo oo adduunka oo dhan laga heli karo kuwaas oo ay cunaan dadyow kala duwan, waana halka aan ka heli karno, waa tallaabada lagu xallin karo dhibaatooyinka mustaqbalka,"" ayuu yiri. Iyadoo in ka badan 7,000 geed laga heli karo dunida kuwaas la cuni karo, waxaa haatan guryaha lagu isticmaalaa 417 oo kaliya ah. Pandanus (Pandanus tectorius) waa geed yar oo ka baxa dhulka xeebaha ah laga bilaabo Jasiiradaha Baasifiga ilaa Filibiin. Caleemahiisa waxaa loo isticmaalaa in lagu macaaneeyo cuntada guud ahaan inta badan Koonfur-bari Asia, halka mirahiisa la cuni karo iyagoo ceyriin ah ama iyagoo la kariyay. Geedku wuxuu mid ku noolaan karo dhulka qallalan ama dhulka qabow, dabeylaha xooggan, abaaraha, ayay tiri Dr Marybel Soto Gomez. oo ah cilmi-baare ka tirsan macadka Kew. ""Waa cunto adkaysi u leh cimilada iyo cunto nafaqo leh oo weliba macaan,"" ayay tiri. ""Waxay ahaan lahayd wax aad u wanaagsan in la helo cuntooyin kala duwan oo dhaqan ahaan, nafaqo leh, oo lagu abuuri karo dhulalka qallallan ee adduunka"" Digirta, waa ""cuntada mustaqbalka"" waa mid raqiis ah oo laga helo borotiinno iyo fiitamiin B, Digirta waxaa lagu beeri karaa dhul kala duwan sida xeebaha iyo goobah aku teedsan buuraha. Aduunka waxaa laga helaa 20,000 nooc oo digir ah, laakiin noocyadaas wax yar ayaan ka isticmaalnaa, Waxaa loo malaynayaa inay jiraan boqollaal digir oo aysan garan saynisyahannadu. Iska ilaali cuntooyinka haddii aad qabto cudurka macaanka Wax ka ogoow cuntooyinka sare u qaadi karo hammada? 3 nooc oo raashin ah oo caafimaadkaaga aad sare ugu qaadaya Digirta nooca loo yaqaan morama (Tylisema esculentum) waa si weyn looga isticmaalaa dalalka Botswana, Namibia iyo Koonfur Afrika, halkaas oo digirta lagu darsado galley ama lagu shiilo budo si looga sameeyo boorash ama cabitaan u eg kookaha. Haruurkan wuxuu u kala baxaa in ka badan 10,000 nooc-waxaa uu horseedaa fursado badan oo dhanka cuntada ah. Fonio (Digitaria exilis) waa firiley Afrikaan ah oo nafaqo leh oo loo isticmaalo samaynta couscous, boorash iyo cabitaan. Lagu beero gudaha sida dalagga, geedka wuxuu u dulqaadan karaa xaaladaha qalalan. Fonio (Digitaria exilis)- haruurka noocan wuxuu ka baxaa Afrika, waxaana laga sameeyaa boorash iyo cabitaan, dalaggan waa mid adkeysi u leh dhulka qallalan. Mooska nooca loo yaqaanno Enset-waxaa si weyn looga isticmaalaa qeybo kamid ah dalka Itoobiya. Miraha geedka mooska oo kale waa mid aan la cuni karin, laakiin jirriddiisaa iyo xididdada waa la khamiirin karaa, waxaana loo isticmaali karaa in lagu sameeyo boorash iyo rooti. Daraasaduha waxay soo jeedinayaan in dalagga mooskan u eg uu awood u leeyahay inuu quudiyo in ka badan 100 milyan oo qof oo ku nool dhulka kuleylaha ee adduunka." https://www.bbc.com/somali/war-61542328 +entertainment Waa tuma atariishada uu shukaansanayay Salman Khan ee ninka kale guursaneysa? Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa warbaahinta Hindiya qabsaday wararka ku saabsan guurka xiddigaha Bollywood-ka Vicky Kaushal iyo Katrina Kaif. Labadan jilaa weli ma xaqiijin guurka, balse maamulka gobolka Rajasthan ayaa isku diyaarinaya arooska si loo adkeeyo sharciga iyo kala dambeynta. Manata oo Jimco ah, waxaa deegaanka Sawai Madhopuris ka dhacay shir ku saabsan guurkan. Waxaa ka qeyb galay madaxda deegaanka, qabanqaabiyeyaasha arooska, milkiilayaasha hoteellada aroosku uu ka dhacayo iyo booliiska. Maxay tahay sababta uu u guursan la'yahay jilaaga caanka ah ee Salman Khan? Rajendra Kishan oo madaxda deegaanka ka tirsan ayaa shirka kaddib BBC-da u sheegay inay ka wada hadleen sidii loo dhowri lahaa kala dambeynta, nadaafdada iyo isu socodka gaadiidka. Wuxuu sheegay in munaasabadda arooska ay socon doonto 7 ilaa 10 December isla markaana ay ka qeyb geli doonaan ilaa 120 marti ah. Wuxuu intaas ku daray in la ilaalin doono tallaabooyinka lagu xakameynayo xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Gobolka Rajasthan, meel 18 km u jirta, kana tirsan degmada Sawai Madhopur, waxaa ku yaalla hoteelka Old Fort, oo markii ugu horreysay hoteel loo beddelay. Si kastaba, arooskan weli ma aysan shaacin Katrina amaba Vicky Kaushal. Balse martida ayaa laga bilaabo berri tegi doonta deegaanka uu aroosku ka dhacayo. Qolal ayaa loo sii qabtay iyadoo marti badan ay degi doonaan hoteelka Barwara Fort. Balse Katrina Kaif iyo Vicky Kaushal ayaa deegaanka Sawai Madhopur gaari doona 6-da bishan December. Mar ay BBC-du la xirirtay maamulka hoteelka aroosku uu ka dhacayo, ayaan wax faahfaahin ka bixin. Marka laga hadlayo aroosyada dadka caanka ah ee ka dhaca gobolka, waxay ganacsato iyo xiddigo caan ah oo Bollywood-ka ka tirsan ay arooskooda ku dhigteen Udaipur, oo ah magaalada harooyinka. Balse, Sawai Madhopur waxaa markii ugu horreysay ka dhici doona arooska xiddigahan caanka ah. Barwara Fort oo ku taalla deegaanka Chauth Ka Barwara ee Sawai Madhopur ayaa loo beddelay hoteel qurux badan. Sida ay wararku sheegayaan, arooska Katrina Kaif iyo Vicky Kaushal waxaa lagu qaban donaa isla hoteekan dhowaan la furay. Hoteelkan waxaa la furay bishii October ee sanadkan. Xiddigadda Bollywood-ka Malaika Arora ayaa ku sugneyd xafladdii furitaanka. Xirirkii Salman Khan iyo Katrina Kaif Katrina Kaif iyo Salman Khan ayaa la sheegay inay lahaayeen xiriiri jaceyl, iyagoo isla jilay filimaan badan, oo kii ugu dambeeyay ee saadkii 2009 uu ahaa 2019's Bharat. Waxaa la sheegay inay dhowaan isku soo laabteen kaddib xurguf soo kala dhex gashay. Waxay dhowaan labada xiddigood shaaciyeen inay ka wada shaqeynayaan filimka Tiger 3. Sanadihii dambe waxa soo baxay warar aan la xaqiijin oo sheeegaya in Salman khan oo 55 jir ah, weligiisna aan guursan, uu doonayo in uu guursado gabdho ay kamid yihiin xiddigaha kala ah Katrina Kaif iyo Iulia Vantur, balse wararkaas ayaa noqday kuwa xan ah oo kaliya oo aysan waxba ka suurtagelin, waxaana qoyska Salman Khan la sheegay in mar walba ay ku booriyaan in uu guursado, balse isaga uu go'aankaas qaatay. Wabaahinta Hindiya ayaa sheegaya in Salman Khan uusan ka mid ahayn martida lagu causumay arooska saaxiibtiisii hore ee Katria. Katrina ayaa la sheegay inay dib u bilaabi doonto shaqada filimka Tiger 3, kaddib arooskeeda. https://www.bbc.com/somali/war-59520836 +religion Sheekh Xasan Yimar: Nin Muslim ah oo dib u dhis ku sameeyay Kaniisad Itoobiya ku taalla oo duntay xilligii Axmed Gurey "Sheekh Xasan Yimar waa nin haysta diinta islaamka oo Salaada tukada, Sooma masaajidkana si weyn ugu xiran oo diintiisa si buuxda ugu dhaqmo. Munaasabadaha ciidda islaamka, sida Carafada, Soon-furka iyo Mowliidka, ayuu sanad walba Musliinta u qabtaan si ay u dabaaldegaan. Qofkasta oo Sheekh Xasan salaan ka qaado jawaabta ugu horreysa uu kala kulmi jiray waxay ahayd 'Waa Alxamdulillah"". Balse in mudda ah wuxuu ku howlanaa siduu u badbadin lahaa kaniisad ku taallo buur dusheeda, iyada oo da'diisu ay ka hor istaagin buur inuu fuulo, si uu kaniisadda halka ay ku taallo uu u gaaro. Sheekh Xasan Yimar, wuxuu ku dhashay, ku barbaaray, diintana ku soo bartay gobolka Koonfurta Wallo, gaar ahaan degmada Warra-iilu. Inta badanna gobolka Wallo ee dalka Itoobiya, marka la soo hadal qaado gobolkaas, qof kasta oo garanaya waxa ugu horreeya ee maskaxdiisa ku soo dhaceyso waa in si ixtiraam iyo jaceyl ku dheehan tahay ay u wada nool yihiin dadyowga diimo kala duwan aaminsan ee halkaas ku nool. Wuxuu gobolkaas caan ku yahay lammaanayaasha diimaha kala duwan kala haysta inay isguursadaan. Haddii aad aragto qof ku nool gobolka Wallo oo nabi ammaan (xadra) dhageysanayo, way adag tahay in aad diintiisa horay ka garato, maadaamaa shacabka gobolladaasi deggan ay xadrooyiinka nabi amaanka ah dhageystaan diintey doonaanba ha haystaane, iyaga oo arrintaa u sameynaya in qofba qofka kale diintiisa si uu u ixtiraamo. Waxaa gobolkaas lagu arkayaa dad masiixiyiin ah oo Masaajid dhisay iyo dad Muslim ah oo Kaniisad dhisay. Gobolka Wallo wuxuu caan ku yahay culimo Muslimiin ah oo aad u waaweyn, oo qaarkood caan ka yihiin Itoobiya sida Gudddoomiyaha Golaha Culimada Islaamka Itoobiya, Xaaji Mufti Cumar Idiris, Sheekh Xuseen Jibriil iyo Sheekha Xadrooyinka (nabi amaanka) caanka ku ah ee Seekh Maxamed Xamzaa. Sheekh Xasan wuxuu caan ku yahay in xilliyada ay kaniisadda ka dhaceyso dabbaaldagyada diimeed ee sannadlaha ah, inuu cunno iyo cabbitaan uu geeyo. Dadka Kirishtaanka ee Kaniisaddaasi ku cibaadeysta, inta ay kaniisadda gaarin, waxay marka hore soo siyaartaan oo soo salaamaan Sheekh Xasan. ""Sheekha oo ku sigtay in la dilo"" Sheekha howsha uu kaniisadda ka wado waxaa ka dhalatay hadal hayn aad u weyn. Halka ay dad badan taageeraan qaar kalena waa ay ka soo horjeesteen, iyaga oo aaminsan in ficilkaas uu ka horimanayo shareecada islaamka. Dadka deegaanka waxay sheegeen din adka ficilka Sheekha ka soo horjeeday ay ilaa iyo seddex jeer isku dayeen inay dilaan balse uu ka badbaaday. Sababta ay u dilayaanna ay ku sheegeen in uu ku dhaqaaqay ficil diintiisi ka hor imanayo. Dadka ka soo horjeedana waxaa ka mid ahaa qoyskiisa iyo carruurtiisa inkasta oo ay marki dambe ay fahmeen howlaha u wadayna ay garb ku siiyeen. Howlaha Sheekh Xasan Yimar uu kaniisadda ka qabtay waxaa laga qoray buugaag uu ka mid yahay buug uu qoray Kabar Getachew oo uu ugu magacdaray 'Warra-iilu iyo muuqaalka Itoobiya'. Waxaana Sheekha laga hor istaagay in uu ka mid noqdo Ururrada iskaashiga ee ay Muslimiinta leeyihiin. Balse Sheekh Xasan handadaadda, iskudayga dil iyo dadka sida weyn uga soo horjeestay, intaba kama hor istaagin howshii uu kaniisadda ka qabanayey. ""Aabbahey iyada oo Muslimiin badan ay ficilkiisa ka soo horjeedaan hadda uma joojin oo wuxuu ku guuleystay inuu kaniisadda dib u dhiso,"" ayuu yiri Maxamed oo ah wiil uu Sheekhu dhalay oo 35 sano jir ah. Sheekh Xasan Yimar oo ah Sheekha Kaniisadda badbaadiyey isla-markaana dib u dayactiray, waxaa uu geeriyooday sannadki hore iyada oo ay da'diisu ahayd 96 sano. Sheekh Xasan wuxuu dhalay 7 caruur ah. Kaniisadda Weybila Maaryaam Kaniisadda Weybila-Maaryaam, waxay ku taalla xaafadda 6-aad ee degmada Warra-iilu, waddada halbowlaha ee degmadaas, waxay u jirtaa 6km oo keli ah. Kaniisadda Weybila-Maaryaam, waxaa la sheegaa in la dhisay sannadkii 1484 ee milaadiga. Waxaana la sheegay in kaniisaddaasi ay burburtay xilligi uu Axmed Gurey qabsanayey dalka Itoobiya. Kaniisadda Sheekh Xasan Yimar uu dhisay oo dhisamaheeda la soo gabagabeeyey laba sano ka hor, waxaa xarigga laga jaray 29-ka May 2019. Maalinta la qabanayey xafladda Kaniisadda lagu furayey, Sheekh Xasan waxay dadka diinta Masiixiyiinta ee kaniisaddaasi ku cibaadeysanaya ay guddoonsiiyeen hadiyado kala duwan." https://www.bbc.com/somali/war-57836622 +health Waa sidee xaaladda Sanjay Dutt oo isbuucan laga helay cudurka kansarka? "Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Hollywoodka iyo dalka Hindiya, Sanjay Dutt, ayaa isbuucan laga helay kansarka ku dhaca sambabbada, kaasoo gaaray heerka afaraad. Sanjay ayaa Sabtidii loola cararay isbitaalka Lilavati kaddib markii uu ka cawday inay neefsashada dhibeyso, waxaana laga soo saaray labo maalmood kaddib. Ilo ay soo xigteen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya - oo ay ka mid yihiin wargeysyada India Times iyo Hindustan Times - ayaa sheegay in heerka neefsashada gudaha ee Sanjay Dutt uu u dhaxeeyay 90-92%, markii isbitaalka la dhigayay. Waxaa laga baadhay cudurka Covid-19, laakiin natiijadii soo baxday waxay sheegtay inuusan qabin fayraska. Markii dambena waxaa lasoo tabiyay in jilaaga uu culeys gudaha ah ka dareemay xabadka. Maadaama laga waayay coronavirus, dhakhaatiirta ayaa ka baaray cudurka kansarka, kaasoo ugu dambeyntiina laga helay, sida ay warbaahinta shaaciyeen. Hase yeeshee, dhaktarka daweynaya atooraha, oo lagu magacaabo Dr Jalil Parker, ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo ama beeniyo warkaas, isagoo cuskanaya arrimaha la xiriira qarinta sirta bukaanka. Ciyaartoyga Cricket-ka, Yuvraj Singh, oo horay ugu guuleystay dagaalka uu la galay kansarka sambabbada dhowr sano ka hor, ayaa farriin rajo ah u diray Sanjay Dutt. ""Waxaad tahay, siina ahaan doontaa dagaalyahan @duttsanjay. Waan garanayaa xanuunka uu cudurkan leeyahay laakiin waxaan sidoo kale garanayaa inaad tahay qof awood badan oo wajihi kara xaaladaha adag. Waxaan kuugu duceynayaa, kuuna rajeynayaa inaad deg deg u caafimaaddid,"" ayuu Yuvraj kusoo qoray bartiisa Twitter-ka. Maalintii Talaadada, Sanjay wuxuu ku dhawaaqay inuu 'nasiino gaaban' gaaban ka qaadanayo shaqooyinkiisa, si 'loo daweeyo', wuxuuna taageerayaashiisa ka codsaday inaysan wararkiisa ka dhigin ku tidhi ku teen la isla dhexmaro meel kasta. Bogga uu Twitter-ka ku leeyahay ayuu soo dhigay warqad uu ku shaaciyay tallaabada uu qaaday markii cudurka laga helay kaddib. ""Haye Saaxiibayaal, waxaan nasiibo gaaban ka qaadanayaa shaqada si aan dawooyin u qaato. Qoyskeyga iyo saaxiibbadey ayaa i garab taagan, waxaana dadka samaha ila jecel ku boorrinayaa inaysan walwalin ama aysan isla dhex marin warar aan loo baahneyn. Jaceylkiinna iyo wanaagga aad ii rajeyneysaan awgood, durba waan soo laaban doonaa!"" Sanjay wuxuu marka xiga kasoo muuqan doonaa Sadak 2, kaasoo sida la qorsheeyay toos looga sii deyn doono dhinaca Internet-ka, gaar ahaan bogga Disney+ Hotstar, marka ay taariikhdu tahay 28-ka bishan August. Xilligaas kaddibna, wuxuu jili doonaa filimka Bhuj: The Pride of India, kaasoo isagana sidoo kale laga sii deyn doono bogga online-ka ah ee Disney+ Hotstar." https://www.bbc.com/somali/war-53747128 +politics Raysul wasaaraha Israa'iil oo farriin u diray dalalka Carabta "Raysul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu “farriin nabadeed iyo rajo ah” ka sido Israa’iil, taasi oo ku wajahan Sacuudiga inta uu ku guda jiro booqashadiisa la filayo inuu ku tago Bariga Dhexe. Waxaa la qorsheeyay in Biden uu booqdo Sucuudiga, Israel iyo Daanta Galbeed ee ay haysato Israa'iil inta u dhaxaysa 13 ilaa 16 Luulyo. Hadalka Lapid ayaa yimid saacado kaddib markii Biden uu difaacay inuu beddelo mowqifkiisa Sacuudiga oo uu doonayo inuu marmarsiiyo u helo booqashadiisa, oo muran ka dhalisay Mareykanka. Lapid, ayaa hadallo uu jeediyay intii lagu guda jiray shirkii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada Israa'iil, wuxuu u jeediyay waddamada kale ee Carabta inay xiriir la sameystaan Israa'iil ""iyadoo loo eegayo mustaqbalka carruurteenna."" Biden waxa uu ku difaacay maqaal uu ku daabacay wargeyska Washington Post, safarkiisa uu Sacuudiga ku tagayo. Warbaahinta Israa’iil ayaa la-yaab ku tilmaamtay in mas’uul ka tirsan Israa’iil uu madaxweyne Biden u raaci doono safarka uu ku tagayo Sucuudiga, halkaas oo uu madaxweynuhu kula kulmi doono madaxda Carabta, isagoo dhinaca kale ka digay in isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka Israa’iil iyo Boqortooyada Sucuudigu aanu suurtagal ahayn. Israa’iil ayaa soo gabagabaysay heshiisyo ay la gashay Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko iyo Suudaan, kaasi oo uu gar-wadeen ka ahaa Maraykanka. Lapid waxa uu sheegay in inta uu ku guda jiro booqashada Madaxweyne Biden ee Israa’iil ay diiradda saari doonto arrinta Iran, oo uu ku eedeeyay in ay ku howlan tahay beekhaaminta Uranium-ka si ay Niyukleer u sameysato. Tallaabadani ayuu sheegay in ay jabinayso  heshiisyada, waxaana uu kula taliyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay cunaqabatayn ku soo rogaan Iran. Israa’iil ayaa ka soo horjeedfa in dib looga wada xaajoodo dib-u-soo noolaynta heshiiskii nukliyeerka ee la saxiixay 2015-kii, waxaana maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu isaga baxay 2018-kii. Booqashada Biden uu ku tagi doono Sacuudi Carabiya ayaa la dhaleeceeyay, iyadoo sabab looga dhigayo xaaladda xuquuqda aadanaha ee Boqortooyada. Madaxweynaha ayaa u jawaabay dadka dhaleeceeyay booqashadiisa, isaga oo maqaal ku daabacay wargeyska Washington Post Sabtidii, waxaa uuna sheegay in ""uu doonayo inuu xoojiyo iskaashiga Maraykanka iyo Sucuudiga ee ku salaysan danaha iyo mas'uuliyadda, isagoo ilaalinaya qiyamka dhabta ah ee Maraykanka"". Waxa uu sheegay in horumarradii u dambeeyay ee ka dhacay Bariga Dhexe ay gobolka ka dhigeen mid xasilloon oo ammaan ah . Isagoo ka hadlaya muhiimadda Bariga Dhexe uu u leeyahay Maraykanka, ayuu Biden sheegay in ""marin-biyoodyada Bariga Dhexe ay lagama maarmaan u yihiin ganacsiga caalamiga ah iyo sidoo kale ilaha tamarta"". Biden ayaa aaminsan in midowga wadamada gobolka uu fududeynayo la-dagaallanka xagjirnimada." https://www.bbc.com/somali/articles/cgew7pnk5n9o +business Sida aroos been abuur ah la iiga dhacay $250,000! "Markii nin u dhashay Britain kana shaqeeya arrimaha samaflka uu guursaday haweeney dhalinyaro ah oo Ukraine ka soo jeedda, wuxuu u maleynayay inay nolol cusub ku sameysan doonaan Odessa oo ah magaalo k taalla Ukraine balse wuu khaldanaa. . Wuxuu 52 jirkan ku faraxsanaa inuu arko gacalisadiis Irina, oo ku sugeysay banaanka maqaayad ku taalla xeebta Badda Madow ee Ukraine. Waxay isaga ka yar tahay 20 sano, si cajiib ah ayay u soo lebisatay, timaheeda casuusta lehna markaas ayay ka soo hagaajisatay koofeerka. Waxaa meel aan ka fogeyn ku sugnaa dad uu James u heystay inay yihiin waaliddiinta Irina iyo 60 qof oo marti la soo casuumay ahaa. James ayaa ka soo degay gaariga dadkii sugayay ayaana sacabbada u tumay. Waxay ahayd July 2017, markii uu xagaaga ka bilaabanayay Odessa, miisaskana waxaa la dhigay meel badda ka soo horjeedda. Saacado kaddib, James iyo Irina waxay akhriyeen wacadka arooskooda. Balse waqtigii la rabay inuu noqdo mid farxad ay ku dheehan tahay, ayaan sidii loo maleynayay noqon. Saq dhexe habeenkii, James wuxuu keligiis ku sugnaa isbitaalka, isaga oo la xanuunsaday cabitaan laga shakiyay. Wuu guursaday balse ma ahayn haweeneydii uu jeclaa. Waxay ahayd gabahdii qabanqaabisay arooska lammaanaha. Tani waa sheeko ku saabsan sida nin u dhashay Britain uu u waayay hantidii uu noloshiisa keydinayay, iyo sidoo kale sumcaddiisii. Iyo sida waaxda caddaaladda Ukraine aysan waxba ugu qaban. James ma aha magaciisa saxda ah. Wuxuu dareemayay yaxyax cid ku sugan UK uma uusan sheegin sheekadiisa, xitaa qoyskiisa. BBC-da ayaa wixii dhacay ka xaqiijisay dokumentiyada bankigiisa, keydkiisa, farriimaha teleofonka gacanta, iyo wareysiyo lala yeeshay dad badan oo arrinta ku lug lahaa. Waa calaamad muujineysa dharka nin xiran koofiyad iyada oo tubbo ay ka soo jeeddo laamiga Waddada Lanzheronivska ee bartamaha Odessa. La raac fallaarta jaallaha iyo madowga isugu jirta waddada ilaa maxkamadda, waxaad gaareysaa xafiiska Robert Papinyan, oo ah baare madax bannaan. Ninkan oo booliis hore ahaan jiray waa qof si fiican u lebisan, wuxuu leeyahay timo la madoobeeyay. Wax walba si fiican ayay u habeysan yihiin. Waxaa yaalla xusuus-qoraalka geesiga mala awaalka ah ee Sherlock Holmes, kaararka Sherlock Holmes, codka telefoonka ugu xiranna sida ay Soviet TV u yaqaannaan Sherlock Holmes. ""Lama shaqeyno booliiska, waxaan adeegsannaa habab cilmu-nafsi ah,"" ayuu yiri. ""Lacagtan si sharci darro ah ayaa loo qaatay, sidaas darteed waa inaan adeegsannaa habab sharci darro ah oo lagu soo celinayo."" Waddada Deribasovskaya iyo xafiiska Mr Papinyan ee Odessa waxaa u dhaxeeya hal dhisme. Waa faras-magaalaha, waxaana ku yaalla maqaayado iyo baarar. Haddii aad fiidkii lugeyso waxaad arkeysaa rag galbeedka ka soo jeeda oo la caweynaya haween Ukraine u dhashay oo aad uga da' yar, waxaana kursiga ku dheggan saaran haddiyado qaali ah. Ukraine waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan Yurub, iyadoo dad badan ay bishii soo gasho $350 (£247). Waxaa aad ugu badan shukaansiga baraha internet-ka iyo kan fool ka foolka ah, iyadoo ragga reer-galbeedka ay kumannaan kun oo doollar ku bixiyaan si ay ula kulmaan haween Ukraine u dhashay oo da' yar kuwaas oo xaas u noqda. Balse James wuxuu sheegay inuusan Odessa u tegin isaga oo raadinaya jaceyl. Wuxuu ahaa nin samafalka ka shaqeeya kuna nool UK, saaxiibkiis ayaa sanadkii 2015 weydiistay inuu ka caawiyo hirgelinta mashruuc cusub oo lagu caawinayo carruurta ka soo qaxaysa dagaalka ka socda bariga Ukraine. Dalka labaad ee ugu weyn Yurub wuxuu galay isbeddel, Ruushka ayaana kaga falceliyay taageeridda koox mucaarad ah. In dibadda laga shaqeeyo way ku cusbeyd James, balse wuu u bareeray isaga oo ay caawineysay turjumaanad lagu magacaabo Julia. Bilooyin dhowr ah wuxuu u dhaxeeyay shaqadiisii mutadawacnimada ahayd ee Odessa iyo tiisii UK. Kaddib Gu'gaas, waxaa hakad gashay shaqadoodii Odessa. Ma jirin wax badan oo la qabto, sidaas darteed Julia waxay soo jeedisay in James uu jeclaan lahaa in casho ay isku raacaan mid ka mid ah saaxiibbadeed. Saaxiibtaas waxay ahayd Irina. Waxay xilligaas jirtay 32 sano, waxayna ka soo jeeddaa Donetsk, oo ka mid ah magaalooyinka ku yaalla bariga Ukraine ee ay haatan heystaan dagaal-yahannada uu Ruushku taageero. Waxaa durba caddaatay in dhibaatadii ay soo martay aysan keliya ku ekeyn inay ka soo qaxday dagaalka. ""Waxay isla markii iiga sheekeysay labo guur oo ay soo martay iyo sida aysan mar dambe u guursan nin Ukraine u dhashay,"" ayuu yiri James. Waxaa u dhaxeysay 20 sano balse James ayaa sheegay inay aad isku fahmeen. Lammaanaha ayaa dhowr habeen oo is xig xigay caweys u aaday maqaayadaha Odessa. James wuu la dhacsanaa Irina, balse weligood iskuma keliyeysan. Irina waxay ku hadli jirtay Ingiriis yar halka James uusan aqoon afka Ruushka iyo kan Ukraine midna. Si la mid ah sida goobaha lagu caweeyo ee Odessa ay u joogaan turjumaanno, Julia, ayaa iyaga mar walba la joogtay - waxayna maalintii qaadaneysay $150 (£107). ""Xoogaa waa laga fiican yahay in qof uu ku soo celiyo wax walba oo la sheegay. Balse waxaa jiray wax isku keen soo jiidaya,"" ayuu yiri James. Markii ay kala maqnaayeen, wada hadalku wuu fududaa. Waxay ku sheekeysan jireen barta farriimaha ee Viber, oo lahayd aalad wax tarjunta. ""Waxaad i siisay nolol dhab ah. Taasna wada ku mahadsan tahay… Waan ku rumeysanahay. Inaad i siin karto farxaddan. Waan ku jecelahay,"" ayay ku tiri mid ka mid ah farriimaha ay u dirtay James. Lixdii bilood ee xigay, lammaanaha cusub ayaa is arkayay mar walba oo uu James aado Odessa. Waxay iskula caweyn jireen Opera House oo ay casho qaali ah ka soo wada cuni jireen. Balse isu soo dhowaansho kale, xitaa shumisku wuu xaddidnaa. Turjumaanad Julia ayaa mar walba la joogtay sidoo kalena waxay Irina u sheegtay inaysan dooneyn inay isu soo dhowaadaan kahor guurka. ""Waxaa is ir: 'Taas waa han aad u sarreeya',"" ayuu yiri James. ""Xaqiiqdii si wanaagsan ayaa loo soo barbaariyay."" Siddeed bilood kahor arooska, lammaanaha ayaa isla goobta Villa Otrada ku qabsaday xaflad doonasho ah. Waa muuqaal muujinaya James iyo Irina oo si tartiib ah qoob ka cayaar u sameynaya. Wuxuu u muuqdaa qof aan xasilooneyn, iyadana waxay u dhoolla caddeyneysaa oo ay u gacan haatineysaa kaamirada. Waxay ahayd November 2016, 11 bilood kaddib, kulankoodii ugu horreeyay. James wuxuu sheegay inuu jaceyl u qaaday Iirina balse uusan ka war heyn heerka uu la ek yahay dareenka Irina. ""Waxay dareentay inay ku xanniban tahay dalkeeda,"" ayuu yiri. ""Aad ayay u caqli badneyd waxayna dooneysay inay mustaqbal ka sameysato meel ka baxsan Ukraine. Waxay ahayd arrin aan wada daneyneynay."" James wuxuu bilaabay inuu Irina ka bixiyo barashada Ingiriisiga. Wuxuu rajeynayay inay waddada u xaari doonto inay isla degaan UK. Balse kaddib markii ay dhowr jeer la hadleen saraakiisha safaaradda, waxaa caddaatay inay taasi ay u adag tahay. ""Waxay qaadan lahayd dhowr sano,"" ayuu yiri James. Sidaas darteed wuu beddelay qorshaha, isgaoo go'aansaday inuu u soo wareego Ukraine uuna nolol cusub la bilaabo Irina. Wuu ka soo tegay shaqadiisa gurigiisana wuu iibiyay, waxayna isaga iyo Irina bilaabeen inay guri ka raadsadaan Odessa. ""In guri la iibsado ayaa la filayay,"" ayuu yiri, ""sababtoo ah xoogaa hubanti ah ayay siineysay xiriirka. Saaxiibbadeyda UK waxay u maleynayeen inay tahay tallaabo aad u weyn balse way ku faraxsanaayeen inaan mustaqbal sameysanayo."" Xaqiiqdii, dhibaatooyinka ayaa markaas u bilowday James. In lacag laga soo diro UK oo loo diro Ukraine marna ma sahlaneyn. Ukraine waa mid ka mid ah dalalka ugu musuqmaasuqa badan Yurub waxaana ka dhacay fadeexado badan oo bankiyada la xiriira. Xakameynta lacag is daba marintu waxay la micno tahay in la xaddiday caddadka lacagta la diray, in la diro lacag aad u badan ayaana soo jiidaneysay indhaha. Sidaas darteed lama uusan yaabin James markii Irina ay soo jeedisay qorshe aan caadi ahayn oo Ukraine loogu soo dirayo lacagtiisa $200,000 (£141,000) ahayd ee guriga lagu iibin rabay. Beddelkii lacagta lagu shubi lahaa akoonka Irina, James waxaa loo sheegay inuu lacagta ku diro akoonka shirkadda saaxiibteed Kristina, oo arooska qaban qaabineysay. Inkastoo xoogaa shaki ah uu jiray, James wuxuu lacagta ku diray akoonka Kristina. Markii ay lacagtu gaartay Ukraine sheekadu way is beddeshay. Irina waxay James u sheegtay in bankigu uusan lacagta fasaxeynin haddii uusan si sharci ah u qabin Kristina. James wuxu galay xaalad aan caadi ahayn. Iyadoo ay maalmo yar uun ka dhiman tahay Irina waxay ugu hanjabtay inay ka noqon doonto arooska haddii aan lacagta la fasixin oo aysan helin guriga ay ku noolaanayaan. ""Waxaan ku suganahay jahwareer xun,"" ayay Irina ku tiri farriin ay ugu dirtay Viber. ""Ma waxaa rabtaa inaan qaraabadeyda ula muuqdo qof jirkeeda ka ganacsata."" ""Waxaa la iigu hanjabay in ilaa 60 marti ah ay imaan doonaan arooska ayna i garaaci doonaan haddii aan oggolaan guurka sababtoo ah waxaan liidayaa Irina, ayuu yiri James. ""Waxaa la ii sheegay in furitaanka Kristina kaddibna aan guursado Irina ay tahay wax fudud oo la sameyn karo."" Sidaas darteed Jimcihii 10 July 2017, isaga oo dhiirrigelin ka helaya gacalisadisa Irina, James wuuxu guursaday gabadhii arooskooda qorsheyneysa ee Kristina Stakhova. Irina way bood boodeysay, ayuu yiri James, ""way faraxsaneyd markan"". Markan lacagta waa la fasaxay, isla galabtaas waxay Kristina iyo Irina ku dhawaaqeen in dhammaan $200,000 lagu bixiyay guriga. Wuxuu markii dambe ogaaday in qiimaha guriga uu ahaa $60,000 (£42,310) isla markaana uusan isaga keliya lahayn, ee ay la lahayd gabadhii uu sida sharciga ah u guursaday (qaban qaabiyaha arooska) Kristina. ""Doqon ayaan ahaa,"" ayuu yiri James. Maalin kaddib markii uu guursaday Kristina, gaariga James wuxuu Irina ka soo qaaday Villa Otrada. Qorshihiisa wuxuu ahaa inuu sameeyo wax walba marka laga soo tago waxyaabaha sharciga ah ee la marayo - in guurku dhaco kahor inta uusan ka fekerin furitaanka Kristina isla markaana uusan si sharci ah u guursan Irina. Sidii caadiga ahayd James ayaa wax wlaba bixiyay. Ukraine waa dal maciishaddiidu jaban tahay, balse kama garan kartid kharashka arooska ee $20,000 (£14,100) ah ee ay Kristina ku soo dallacatay James. James hadda wuxuu garowsaday in wax walba oo ku saabsanaa arooska ay ahaayeen khiyaano loo degay. Qiimaha waa la buun buuniyay, 60-ka marti waxay u badan tahay in lacag lagu siiyay inay goobta yimaadaan, xitaa hooyada Irina waxaa caddaatay inay ahayd hooyada Julia. Wuxuu ahaa qofka keliya ee arooska ka qeyb galay ee u heystay inay wax walba run yihiin. James xilligaas ma uusan ogeyn, balse gacalisadiisa Irina waxaa qabay nin. Dukumentiyo ay BBC-du heshay ayaa waxay muujinayaan inay is qabaan Andriy Sykov tan iyo bishii August 2015, saddex bilood kahor inta aysan la kulmin James. Kristina, qaban qaabiyihii arooska, sidoo kale nin ayaa qabay, kaas oo lagu magacaabo Denys, balse isaga xitaa qeyb ayuu ka ahaa qorshaha. Dokumentiyada ayaa muujinaya in Kristina iyo Denys ay kala tageen saddex toddobaad kahor inta aysan saxiixin guurka James. Markii uu dhammaaday arooskii khiyaanada ahaa, waxay dib u guursatay Denys. Fiidnimadii maalintii arooska, oo uu James rajeynayay inay isu soo dhowaan doonaan isaga iyo Irina, wuxuu rumeysan yahay inay goobta ka jiidday qof uu u maleynayay inay ahayd hooyada Irina. ""Waxay i siineysay cabitaanno aan hadda hubo inay wax ku jireen, rabshad ayaan sameynayay waana la i qaaday."" Ayuu yiri. James wuxuu habeenkaas ku hoyday isbitaalka. Irina ayaa diidday inay raacdo maalintii xigtayna waxay ku eedeysay inuu khamri iska badiyay isla markaana uu qoyskeeda horteeda ku ceebeeyay. Toddobaadyadii xigay Irina way ka fogaatay James, iyadoo sheegtay inay la soo derseen xaalado caafimaad balse uusan James ku booqan karin isbitaalka. ""Isbitaalka ayaan ku jiraa mana imaan kartid sababtoo ah ninkeyga ma tihid."" Irina ayaa sidaas ku tiri farriin ay James ugu dirtay barta Viber. ""Sida saxda ah xaaskaaga waa Kristina. Sidaas darteed waxaa keliya ila joogi karta hooyadey."" James wuxuu weli u diray $12,000 (£8,460) si ay kharashka isbitaalka isaga bixiso.. Isla markiiba sheekadii khiyaanada halkaas ayay ku dhammaatay. Gabar Ukraine u dhalatay ayaa arrinta so fara gelisay, waxayna James u sheegtay in qiimaha dhabta ah ee gurigiisa uu yahay $63,000 (£44,632). James wuxuu markii dambe ogaaday in haweenku ay ka dhaceen lacag gaareysa $250,000, taas oo ahayd saddex meelood ka laba keydkii hanti ee uu heystay. ""Waan qarracmay"" ayuu yiri. ""Wax bani'aadamku fahmi karo maaha in dhammaan dadkan ay sidaas u dhaqmi doonaan."" Tatyana waa tarjumaanad isku dayday inay James ka caawiso inuu helo wixii ka haray lacagtiisa. ""Sanad kasta waxaan maqalnaa sheekooyinka dad lagu dhacay Odessa balse tan baaxaddeedu way ka duwan tahay,"" ayay tiri. James kama uusan qaadin walbahaar aad u daran. Taas beddelkeed, wuxuu diiradda saaray inuu lacagtiisa soo ceshto, isla markaana uu caddaalad helo. ""Waxaan heystay dhammaan dukumentiyada bankiga ee aan lacagta ku bixiyay, farriimihii Viber ee aan is dhaafsannay,"" ayuu yiri. ""Waxaan hubay in la xallin doono."" Balse wuu ku hungoobay hannaanka caddaaladda ee Ukraine. Afar jeer ayuu u tegay booliiska Odessa, isaga oo wixii dhacay u sheegay lana wadaagay caddeymihii uu hayay. ""Mararka qaar way igu qoslayeen,"" ayuu yiri. Booliiska Ukraine, gaar ahaan Odessa, sumcad fiican kuma laha wax ka qabashada dembiyada, muhiimadna ma siiyaan. In booliisku uu wax xalliyo waxaa mararka qaar loo baahnaa in la laaluusho, taas oo uu James diiday. Booliiska ayaa u yeeray Irina iyo Kristina si ay su'aalo u weydiiyaan, balse wax dacwad ah laguma soo oogin. Waxaanu la xiriirnay booliiska Odessa balse way diideen inay ka jawaabaan kiiska James. Keliya waxaa James u suurto gashay in keligiis lagu qoro guriga oo qiimihiisu ahaa $63,000, kaddib markii uu fashilmay aroskii isaga iyo Kristina. Wuxuu rajeynayaa in qiimihiisu uu kordho marka laga baxo xanuunka safmarka ah ee Covid. Balse marnaba uma dhowaan doono lacagtii $200,000 ee ka baxday. Maaddaama aysan booliisku dan ka lahayn kiiskiisa, wuxuu James qandaraas la galay Robert Papinyan, oo ahaa dembi baare madax bannaan oo ku nool Odessa. ""Waan isku daynay booliiska iyo inaan wax walba u marno si sax ah,"" ayuu yiri James. ""Nasiib darro waa inaad cayaarta dhankaaga ka gashaa."" Waa inaad baaraha u horumarisaa $3,000 (£2,115), iyo 30% lacag walba oo la soo celiyo. Hababka uu adeegado Mr Papinyan ma aha kuwo qarsoon. Wuxuu si bareer ah noogu sheegay in ""caga jugleyn"" ay ka mid tahay waxyaabaha uu adeegsado. Markii aan booqannay xafiiskiisa, saddex nin oo xoog leh ayaa hor fadhisay xafiiskiisa. Mr Papinyan wuxuu aaminsan yahay in haweenka lagu qasbay arrinta oo ay wateen raggii qabay. Mr Papinyan ayaa na siiyay nambarradooda si aan u wacno. Ninkii ay Kristina is guursadeen labada jeer ee Denys wuxuu inoo soo diray sawirrada gaari uu sheegay inuu daba socday wuxuuna ka cabanayaa in ragga Papinyan ay yihiin kuwo dadka dhaca. Seyga Irina, Andriy wuxuu ku jawaabay in wax la isku khalday isla markaana uu nambarradeenna u gudbin doono xaaskiisa. Weligeed nalama so xiriirin balse weli magaceeda ayaa ku jiro baraha internet-ka ee la isku shukaansado. Waxay isku diwaan gelisay inay tahay haweeney carruurta xannaaneysa oo carmal ah waxayna ballan qaadday, ""Wadnahayga waxaa iska lahaan doona hal nin oo keliya."" James oo UK, ku sugan ayaa haatan farriimaha Viber-ka oo la tarjumay u dira Papinyan intii uu u diri lahaa Irina. Wuxuu weli rajeynayaa in lacagtiisii qaarkeed ay u soo laaban doonto. ""Wiilasheyda waxay joogeen magaalada Chernomorsk (oo u dhow Odessa), labo toddobaad kahor,"" ayuu ku yiri farriintii uu baaraha gaarka ah ku soo diray Viber-ka. ""Waxaan Irina ku aragnay guriga agtiisa. Waxaan siinnay ilaa 20-ka June si ay u xalliso dib u bixinta deynta."" James wuxuu haatan helay shaqo kale oo samafalnimo ah wuxuuna isku dayayaa inuu hore u socdo. Sababaha uu u diidayo in aan la ogaan sheekadiisa waxaa ka mid ah in madaxdiisa ay ka war helaan. In lagaa dhaco lacag aad u badan uma roona CV-gaaga. ""Xitaa qoyskeyga uma sheegin waxa dhacay, way ka murugoon doonaan uun."" James wuxuu sheegay inuu go'aansaday inuu sheekadiisa la wadaago BBC-da si uu dadka kale uga digo inay jaceyl u doontaan Ukraine." https://www.bbc.com/somali/war-57612926 +entertainment Ereyada wanaagsan: Sidee ku noqon kartaa qof codkiisu soo jiidasho leeyahay? "Faransiiska wuxuu ugu yeeraa ""voix de chambre à coucher"". Waa cod soo jiidasho leh oo qotodheer, kaas oo siiya dadka hadallada sasabashada. Sidoo kale, waa wax la sharixi karo. Dadka qaarkiis waxay leeyihiin codad soo jiidasho leh oo ka qurux badan kuwa kale, iyo xaqiiqda ah in xeerarkani ay ku dhow yihiin. Guud ahaan waxay muujinayaan qayb muhiim ah oo ka mid ah isbeddelka nolosha. Lahjadaha ayaa ah hal dariiqo oo aan ku qiimeyno dadka kale. Codadka soo jiidashada leh waxaa loo maleynayaa inay yihiin kuwa karti, naxariis iyo aaminaad leh. Marka, maxaa ka dhigaya lahjadaha qaar kuwo soo jiidasho leh? Waxaa jiro astaamo cod ah oo u muuqda in ay u shaqeeyaan qof walba, meel kastoo uu ka soo jeedo. Dhaqan kasta ha lahaadee, haweeney kasta oo ka timaadda Japan ama Mareykanka ama Faransiiska ama meel kasta oo adduunka ka mid ah waxay doorbidaan ragga leh codadka waaweyn,"" ayay tiri Melissa Barkat-Defradas, oo ah cilmi baare luuqadeed oo ka tirsan Jaamacadda Montpellier. Xulashada jinsiga ee ragga leh codadka waaweyn ayaa laga duubay dadka asaliga ah ee ka soo jeeda Amazon ilaa Tanzania iyo tusaalooyin kale oo reer Galbeedka iyo kuwa aan reer galbeed ahayn ba. Ragga u tartamaya shaqo lab iyo dhadigga ee leh codad hoose ayaa iyagana u badan tahay in la shaqaalaysiiyo. Haddii aad rabto in aad ku gaarto sidii afhayeen karti leh, waxay bixinaysaa in aad yeelato cod weyn. Muxuu doorkan guud ee caalamiga ah ka sheegayaa sida aan u aragno dabeecadaha dadka? Ma jiraan waxyaabo ka maqan xeerka? Codka ragga iyo dumarkuba wuu hooseeya illaa xilliga qaan-gaarka. Balse waad saadaalin kartaa, iyadoo sax ah oo heer sare ah, waxa codka nin noqon doono noloshooda oo dhan iyadoo lagu saleynayo waxa uu ahaa da'da toddobo sano jirka. Dookha ragga ee haweenka ayaa ah mid aad u adag. Muddo dheer ayaa loo maleynayay in raggu door bidaan haweenka leh codad dhaadheer. Marka si gaar ah loo eego xagga guusha taranka, waxay ku bixinaysaa ninka inuu helo haweeney suuragal ah in ay carruur badan dhasho. Taxanaha TV-yada Ingiriiska, oo bilaabmay 1960-kii oo raadraacayay koox carruur ah toddobadii sanaba mar noloshooda oo dhan, waxay siisay Katarzyna Pisanski, oo ka tirsan Jaamacadda Lyon, iyo qorayaasheeda kale oo leh muunad ay ka cabbiraan isbeddellada ku yimaada codadkeena wakhti ka dib. Waan ognahay in codka uu ku xiran yahay heerar kala duwan, taas oo laga yaabo in ay muhiim u tahay xulashada jacaylka, sida laga soo xigtay fikradaha la xiriira isbeddelka aragtida ragga. Xaaladda ugaarsadayaasha Tansaaniya, cod qoto dheer ayaa laga yaabaa inuu matalayo wakiil ahaan xirfadaha kale ee u baahan testosterone dheeraad ah. Haweenka qaar ayaa hoos u dhiga codkooda. Sida siyaasiyiinteenna, waxay noqon kartaa inay isku dayayeen inay u muuqdaan kuwo ka culus kana caqli-badan kuwa la tartamaya,"" ayay tiri Pisanski, oo hoggaamisay daraasadda. Balse markaan helno qof soo jiidasho leh, taas cagsigeedu waa run. Iyadoo la ciyaareysa fikradaha laga aaminsan yahay jinsiga, qof kasto oo soo jiidasho badan oo aan aragnay wuxuu lahaa fursada ka badan kuwa kale. Isla tijaabadan shukaansiga ah, oo lagu sameeyay dad yar oo ka mid ah dadka waaweyn ee Faransiiska ah, ayaa lagu ogaaday in dhab ahaantii ragga ay door bidaan dumarka leh codadka hooseeya. Dhibaatada marka la fiirinayo, luqadaha halkii laga eegi lahaa tayada hadalka ee gaarka ah, waxaa la fiiriya luqadaha ay la xiriiraan fikradaha qaldan. Kuwa aan Faransiiska ahayn waxay horeyba ula xiriiri karaan francophones-ka, Paris, Côte d'Azur iyo dhammaan ururada la socda. Dadka u dhashay Faransiiska, dabcan, ururadan aad ayey ugu badan yihiin lahjad gaar ah leh. Waa taxane DNA ah ee unugyada jirka ka caawiya habdhiska difaaca in ay ogaadaan unugyada ku jira jidhkeenna ee aan iska leennahay iyo kuwa ka baxsan. Awood u lahaanshaha tan waxay ka dhigan tahay in aan si dhakhso leh u aqoonsan karno cudurada keena oo aan baabi'ino. Sidaa darteed, shakhsiyaadka qaar ayaa sifiican loogu meeleeyaa gudbinta dhiiga waxtar u leh ee difaaca jirka. Aragtiyadan waxay ku saleysan yihiin sharraxaadda naf ahaaneed ee rabitaanka. Balse taasi weli ma khusayso maanta? Kaliya haddii dhiirigelintaada ugu weyni ay tahay in aad la noolaato qof carruurtaada siin doona hiddo-sideyaal wanaagsan." https://www.bbc.com/somali/war-57388081 +politics Ruushka oo jawaab kulul ka bixiyay hubka Nukliyeerka Mareykanka uu geynayo Yurub? "Ruushka ayaa manata oo Sabti ah sheegay in tallaabooyinka sii xoogeysanayo ee Mareykanka uu hubka Nukliyerka ee casriga ah uu ku geynayo Yurub inay hoos u dhigasyo ""xakameynta loo jideeyay Nukliyeerka"" isla markaana Ruushka uu u dhaqaaqi doono qorsheynta ciidamadiisa militeriga. Mareykanka ayaa hubka casriga ah ee Nukliyeerka B61 geynayaa saldhigyada dalalka gaashaanbuurta Nato ay ku leeyihiiin qaaradda Yurub. Duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa horseeday xiisaddii ugu xumeyd ee dhexmarta xukuumadda Moscow iyo Reer Galbeedka tan iyo sanadkii 1962 iyo xiisaddii ka dhalatay gantaalladii Cuba kadib markii labadii dal ee ugu awoodda badnaa ee dunida ay qarka u saarnaayeen inay galaan dagaal Nukliyeer ah. Ruushka wuxuu heystaa 2,000 oo gantaall oo hubka Nukliyeerka ah halka Mareykanka uu heysto ku dhawaad 200 oo hubkaas kuwaas oo kala bar ka mid ahi ay u yaallaan saldhigyo ku yaalla Talyaaniga, Jarmalka, Turkiga, Belgium iyo Netherlands. Wargeyska Politico ayaa ku warramay in Mareykanka uu shirka Nato uu ka sheegay in uu sare u qaadayo dadaallada uu hubka casriga ee B61, B61-12 iyo hub cusub uu ku geynayo saldhigyada ku yaalla Yurub meesha lagu gaaro December, qorshahaas oo kasoo horumaray xilliggii loo asteeyay. ""Ma iska indho tiri karno qorshayaasha lagu casriyeynayo hubka nukliyeerka, taasoo ah xawaaraha deg deg ah ee hubka lagu keenayo Yurub"" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, Alexander Grushko xilli uu la hadlayay wakaalada wararka ee RIA.Gantaallada 12-ft iyo B61-12 waxay xambaaraan madaxyada Nukliyerka marka loo eego noocyihi hore balse waa kuwo wax ku ool ah oo geli karo dhulka hoostiisa, sida laga soo xigtay cilmi-baaris ay sameeyeen Ururka Saynisyahannada Maraykanka.\n\n""Maraykanka waa uu casriyeynayaa hubkan, isagoo kordhinaya waxtarkiisa, wuxuuna yareynayaa awoodda koronto qaadashada nukliyeerka, waxay hubkan u roggayaan mid lagu adeegsan karo goobaha dagaalka taas oo hoos u dhigi kaerto heerka xakameynta Nukliyeerka,"" ayuu yiri Alexander Grushko. Putin: ""Adduunka wuxuu galaya 10 sano ugu halista badnaa"" Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka digay in adduunka uu wajahayo tobankii sano ee ugu halista badnaa tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka. Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu jeediyay dhawaan taas oo uu ku doonayay in uu qiil ugu sameeyo duulaanka Ruushka ee Ukraine. Tallaabadaas oo dalkiisa ka dhigtay mid ku gala xaalad go'doon oo caalami ah. Mr Putin ayaa sidoo kale ku eedeeyay reer galbeedka in ay isku deyeyaan in ay ku baqa maalaan hubka Nukliyeerka taas oo ay isku deyayaan si ay ugu qasbaan xulafada Ruushka in ay dhabarka u jeediyaan Moscow ayuu sheegay. \nDhawaan ayay ahayd markii waddammada Reer Galbeedku ay dhalleeceeyeen, hanjabaadaha nukliyeer ee ruushku bixiniyey. Horraantii todobaadkan isbahaysiga militariga Nato ayaa cambaareeyay sheegashada aan la hubin ee Ruushka ee ah in Ukraine ay isticmaali karto ""bam sun ah"" - kaas oo walxahiisa qarxa la soo raaciyey shucaaca halis ah oo saamayntiisu waarto. Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in xubnaha isbahaysigu ""ay iska fogeeyeen eedaymahaas"" xilli ay dhankooda ku doodeen ""in Ruushku iskudeyayo abuuridda marmarsiinyo uu ku sii xumeeyo xaalka dagaalka"". Madaxweyne Putin ayaa ka hadlayay fagaaraha sanadlaha ah ee Valdai ka dib guuldarrooyin isdaba joog ah oo millatari oo dhawaan kaga dhacay Ukraine, halka dhanka kalena cadhada ay shacabku ka qabaan doonistiisii ku aaddanayd qoridda askar cusub oo gaadhsiisan illaa 300 oo kun ay sii baahaysay. Dhammaan tirooyinka ama baaxadda ku saabsan hubka nukliyeerka waa qiyaas, balse, sida laga soo xigtay Ururka Saynisyahanada Maraykanka, Ruushku wuxuu haystaa 5,977 oo madaxyo nukliyeer ah - qalabka guba fiyuuska qaraxa nukliyeerka - inkastoo tiradaas la sheegay inay ku jiraan ilaa 1,500 madaxyo nukliyeer ah oo aan shaqeynin kuwaas oo la rabo in la burburiyo. 4,500 ama wax ka badan madaxyada nukliyeerka ee haray, intooda badan waxaa loo tixgeliyaa hubka istaraatiijiga ah ee nukliyeerka - gantaalada ballistic-ga ama gantaallada lagu hagi karo bartilmaameedyada fog. Tirada hubka nukliyeerka ee Ruushka: 1: Gantaallada qaaradaha u kala goosha: 1,1852. 2: gantaallada balistikada ah ee ay qaadaan maraakiibta quusta: 8003. 3: Gantaallada nukliyeerka ee laga soo gano diyaaradaha: 580" https://www.bbc.com/somali/articles/c3gq936r0q2o +politics Buugga Peril: Janaraal cabsi ka qabay inuu Trump amro weerar niyukliyeer oo ka dhan ah Shiinaha "Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa iska difaacay weerar afka ah oo lagu qaaday ka dib markii buug u qoray lagu sheegay in wicitaan qarsoodi ah oo dhexmaray isaga iyo sarkaal ka soo jeeda Shiinaha arrintaas oo uu walaac ka muujiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Wicitaanka dhexmaray labadan sarkaal bilihii October iyo January ayaa looga gol-lahaa in cabsida looga saaro militariga Shiinaha, sida uu Arbacadii sheegay Janaraal Milley. Trump wuxuu sheegay in eedeymaha ay yihiin kuwa been abuur ah isla markaana wuxuu saraakiisha Jamhuuriga ugu baaqay in janaraalka ay shaqada ka ceyriyaan. Madaxweyne Joe Biden wuxuu sheegay in kalsooni uu ku qabay janaraal Milley. Afhayeen u hadlay Janaraal Milley ayaa sheegay in ""wadahadallada telefoon ee uu la yeeshay Shiinaha ay ka mid ahaayeen in uu xaqiijiyo shaqadiisa iyo mas'uuliyadiisa ee dib u xaqiijinta ah si uu u xoojiyo istaraatiijiyadda amniga"" Janaraalkan wuxuu wacay Sarkaal lagu magacaabo Li Zuocheng oo Shiinaha u dhashay, waxaana Talaadadii la soo saaray qeyb ka mid ah waxa dhexmaray ka dib buug la qoray arrintaas oo ay soo bandhigeen weriyeyaal qaabilsan warbixinada dabagalka oo ka tirsan Washington Post. Waxay arrintani dhacday kadib doorashadii Mareykanka xilliggii uu Trump diidanaa in uu aqbalo natiijada. Waxaan ninkaas lagu eedeeyay in janaraalka Shiinaha uu u sheegay in xaaladda ay degan tahay, wuxuuna u xaqiijiyay in Mareykanka uusan wax weerar ah ku soo qaadeynin. Haddii tallabadaas ay qaadi lahaayeen, ""Shiinaha wuxuu marka hore heli doonaa digniino,"" ayaa lagu yiri qeybo kamid ah buugga. Sida ku xusan buugga, janaraal Milley ayaa shaqaalahiisa u sheegay in haddii Trump uu amar ku bixiyo in gantaal nukliyeer lagu weeraro Shiinaha, in marka hore uu isaga xaqiijin doono arrintaas weerarka. Trump wuxuu ku eedeeyay janaraal Milley in uu galay 'khiyaamo qaran' iyo in uu jeediyay hadallo been ah. Buugga oo lagu magacaabo ""Peril"", waxaa lagu sheegay in wixii ka dambeeyay dibadbaxyadii 6-dii January, in Janaraal Milley, oo ahaa Madaxa Shaqaalaha Isku-dhafka ah, ""inuu si dhab ah u hubay in Trump ay la soo deristay xaalad maskaxeed oo aad u xun oo ka soo gaartay doorqashadii looga guuleystay"". Sida buugga ku xusan Milley wuxuu walwal ka qabay in Trump ""uu noqdo damiir la'aan"", sida ay qoraayaasha sheegeen. ""Weligaa ma ogaan kartid waxa ay tahay arrintan madaxweynaha kicinaya,"" ayuu yiri Milley oo la hadlayay Shaqaalaha sare, waa sida lagu sheegay buuggaas. Janaraal Milley wuxuu qabtay kulan aan caadi ah oo si sir ah uga dhacay xafiiskiisa Pentagon, bishii january 8, si dib u eegis loogu sameeyo hannaanka tallaabada militari, sida qaadidda weerar nukliyeer. Isagoo la hadlayay saraakiisha militariga ee madaxda ka ah Xarunta Amarada Qaran ee qolka dagaalka Pentagon-ka, Milley wuxuu faray in aysan qofna amar ka qaadan karin, isaga la'aantiisa. ""Waxkasta oo la idiin sheego, waxaad raaceysaan hannaanka. Anigana qeyb ayaan ka ahay hannaankas,"" ayuu Milley u sheegay saraakiisha, sida buuga lagu sheegay. ""Ka dib qolka oo dhan ayuu dhexmaray, wuxuuna isagoo eegaya waydiiyay dhammaantood in ay si hadal ah u xaqiijiyaan in ay fahmeen hadalkiisa"". Marco Rubio oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ugu baaqay Biden in uu shaqada ka ceyriyo Janaraalka. Arbacadii, xoghayaha Aqalka Sare waxay sheegtay: ""Madaxweynaha wuxu kalsoonida buuxda ku qabaa hoggaanka iyo daljaceylka uu muujiyay janaraalka"". Waxay intaa ku dartay in madaxweyne Biden uu sidoo kale kalsooni buuxda ku qabo janaraal Milley, si uu shaqadiisa usii wato.____________________________________________________________________________________________________________________________________ Cinwaanka ayaan cusbooneysiinay si aan u waafajinno nuxurka sheekada." https://www.bbc.com/somali/war-58616357 +sports Ciyaaraha Somaliland: Waa kuma tababaraha ka dambeeyay koobkii ay qaaday kooxda Daad-Madheedh Maxamed Maxamuud Dirir-dhabe waa tababaraha xulka gobolka Daad-Madheedh ee Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo koobkii kubadda cagta ee gobollada qaaday. Haddaba muxuu yahay? BBC Somali ayaa ka wareysatay taariikhdiisa iyo sida uu guusha ku gaaray. https://www.bbc.com/somali/war-54984952 +health Coronavirus: 'Waxaan ka argagaxsanahay riyadeydii hooyanimada oo baaba'aday' "Haweenka rajada ka qaba inay hooyooyinka noqdaan ayaa ka walwalsan inaysan riyadooda waligood u rumoobi doonin, maadaama xarumaha caafimaadka ee bixiya adeegyada bacriminta ubadka lagu raadiyo ee caalamka ay joojiyeen howlahooda, taasoo uu sabab u yahay cudurka safmarka ah ee coronavirus. ""Waxaan rabaa inaan cunug u dhalo seygeyga. Cunuggaas waxaan rajeyneynay muddo 12 sano ah,"" ayey tiri Sian Brindlow, oo kasoo jeedda galbeedka gobolka Sussex ee waddanka UK. ""Waxaan ka argagaxsanahay in ay dhammaan riyooyinkaas burburaan"". Haweeneydan waxay ka mid tahay dad badan oo qorsheynayay in loo sameeyo adeegga bacriminta ugxaanta, waxaana dhammaantood mar qura loo wada sheegay in adeeggii loo qaban lahaa hakad loo galiyay sababo la xiriira cudurka dunida ku baahay ee coronavirus. Ma jiro xilli loo qabtay in dib howlahaas loo billaabi doono. Sian waa 40 jir, iyada iyo seygeedana waxay dhawaan billaabeen wajigii saddexaad ee bacriminta ugxaanta, laakiin waxaa kasoo dhexgalay hakinta lagu dhawaaqay. Labadii waji ee ay horay u mareen kuma dhammaanin si guul ah. Howlihii noocan ahaa ee ay horay u mareen iyada iyo seygeeda waxay ku yeesheen saameyn dhinaca maskaxda ah, haddana waxaa uga sii daraya dhibaatada ka dhalatay coronavirus oo sii xoogeysaneysa. ""Ma garaneyno waxa dhici doona. Xaaladdu runtii way adag tahay"", ayey tiri. Xarumaha bacriminta ugxaanta lagu sameeyo ee dalal badan ayaa joojiyay adeegyadooda mana jiro wax caddeynaya goorta ay dib u howlgali doonaan. ""Waan fahansan nahay in arrintan ay dhibaato weyn ku tahay bukaannada iyo xarumaha caafimaad ee adeeggaas fuliya, maadaama dhammaan howlihii bacriminta ugxaanta la joojiyay laga billaabo 15-kii April, 2020,"" waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay maamulka bacriminta ugxaanta bani'aadanka ee UK. Waddanka Mareykanka, hay;adda bixisa adeegga noocaas ah oo magaceeda loo soo gaabiyo (ASRM) ayaa joojisay shaqadeeda, waxayna dib u dhigtay dadka cusub ee loo sameynayo daweynta bacriminta ugxaanta. Sian waxay sheegtay inay fahansan tahay duruufta sababtay in adeeggii loo waday la hakiyo, laakiin dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafayba way niyad jabsaneyd. Ka hor inta uusan soo bixin cudurka safmarka ah ee coronavirus, waxay rajeyneysay in keydinta ugxaanteeda ay niyadda ugu dagi doonta inta ay sugeyso qalliinka. Haddase ma heysato hubaal. ""Waxaan u maleynayay in haddii ay ukumaha ugxaanta ah isku daraan ay keydin doonaan, taasna waan ku qanci lahaa. Sababtoo ah markaas kama aanan walwali lahayn da'deyda,"" ayey tiri. Sidaasoo ay tahay wali waxay ku rajo weyntahay in howsheeda dib loo billaabi doono xilli aan fogeyn. ""Diyaar ayaan u ahay inaan sugo, haddiiba ay mar uun suurtagaleyso"", ayey tiri Sian. Laakiin way ka warqabtaa in riyadeeda ay burburi karto. Khubarada ayaa sheegaya in joojinta bacriminta ugxaanta ay gacan ka geysaneyso hakinta faafitaanka cudurka Covid-19, maadaama shaqaalaha caafimaad ee howshaas ku mashquulsanaan jiray ay hadda ka qeyb galayaan caawinta bukaannada uu cudurka haleelay. Dr Marco Gaudoin, oo ku takhasusau bacriminta ugxaanta bani'aadanka, ayaa sheegay in tallaabadan ay saameyn adag ku yeelan doonto haweenka ay daweynta u socotay, maadaama guul laga gaaro howshooda ay ku xiran tahay da'dooda iyo waqtiga. ""Markii laga eego dhinaca seyniska, haddiiba ay da'daadu kor u dhaafto 34, bil kasta oo sii socota waxay ka dhigan tahay in fursadda guushaada ay hoos usii dhaceyso 0.3%. Marka haddii lix bilood la gaaro fursaddu waxay lumeysaa 2%,"" ayuu yiri isagoo la hadlayay BBC-da. Bacriminta ay dhakhaatiirta ku sameeyaan ugxaanta bani'aadanka waxaa ku dhalatay 5 milyan oo carruur ah 40-kii sano ee lasoo dhaafay gudahooda." https://www.bbc.com/somali/war-52326838 +health Daraasad: Socod gaabida waxay keentaa gabow degdeg ah "Saynisyahanno ayaa sheegay socodka xawaaraha uu socdo qofka inta ay da'diisu afartameeyada ku jirto ay astaan u tahay xaaladda gabowga degdegga ee ku yimaadda maskaxdiisa iyo jirkiisa. Saynisyahannada daraasadda sameeyey oo adeegsaday qalabka lagu cabbiro xawaaraha socodka qofka ayaa daraasaddooda la xiriiriyey socodka iyo gabowga xiriirka ka dhaxeyn kara. Socod gaabida ma keenta oo keli ah jirka qofka oo gaboobo balse waxaa kale oo ay keentaa ayey yirahdeen kuhubarada daraasadda sameysay qofka oo wajiga duq uga ekaado iyo maskxadiisa oo yaraato. Kooxda khubarada caalamiga ah ee daraasaddan sameysay waxay sheegeen natiijada daraasadda ka soo baxday iney ku noqotay ""mid layaab iyo fajac leh"". Dhakhaatiirta qaybta ka ahayd daraasaddan waxay baaritaan ku sameeyeen caafimaadka qofka iyo socdka waxa ka dhaxeyn kara. gaar ahaanna Socodka qofka wixi ka sarreeya 65 ilbiriqsi xawaaraha uu ku socdo, maadaamaa ay tilmaan u yihiin adadkaanta murqaha qofka, sanbabka iyo sida uu u shaqeeyo, adadkaanta dhabarka iyo aragga indhaha. Socod gaabnida qofka marka uu da'da noqdana waxay saaynisyahannadu sheegeen in laga dhaxlo waxyeella maskaxeed iyo gabow. Daraasaddan waxaa laga qayb geliyey 1,000 qof oo ku nool dalka New Zealand ee dhashay 1970-yadi da'dooduna ay tahay 45 jirro, tijaabada socodkoodana waxaa la qaaday inta ay da'doodu ahayd da'da dhexe ee dhalinyaranimada. Shaqsiyaadka daraasaddan laga qayb geliyey waxaa sida oo kale loo sameeyey baaritaan la xiriira jirka, maskaxda iyo sida ay u shaqeyso iyo sanbabka xilliga ay da'da carruurnimada ku jireenna waxaa lagu sameynayey sanad walba baaritaan joogta ah. ""Waxaa ugu dambeynti daraasadda lagu ogaaday socodka gaaban inuu yahay astaan muujineyso qofka marka uu weynaado dhibaatooyinka uu dhaxli doono,"" ayuu yiri Barafasoor Terrie E Moffitt oo hoggaaminayey daraasadda ay sida wada jirka ah u sameeyeen Kulliyadda King ee London iyo Jaamacadda Duke ee Mareykanka. Qofka marka ay da'diisu gaadho 45, xawaaraha socodka waa uu kala duwanaan karaa balse xawaaraha ugu wanaagsan ayaa lagu tilmaamay iney tahay qofka inuu halki ilbiriqsiba 2 mitir uu jaro waa isaga oo aan ordeyn. Guud ahaan waxay daraasaddu sheegtay socod gaabida iney astaan u tahay qofka ""gabowga sida uu ugu soo degdegayo"" gaar ahaan xubnaha ay ka midka yihiin sanbabka, ilkaha, habka difaaca cudurrada, iwm uu ka dhaxlo, halka dadka socodkooda u xawaaraha yahay dhibaatooyinkaasi ay la kulmin. Waxyaabaha lama filaanka ee daraasadda lagu ogaaday waxaa ka mid ah qofka socodka gaaban maskaxdiisa marka la baaray iney u muuqato maskax gabowday. Carruurta yaryar ee socod yarida ku soo barbaaray ee socodkoodu yahay (1.2 mitir halki ilbiriqsi) celcelis ahaan garaadkooda maskaxeed wuxuu gaaraa 12 dhibcood, kaasoo ka hooseeya dadka xawaaraha dheer ku socda (1.75 mitir ilbiriqsigi) oo ay da'doodu 40 jirka tahay. Cilmibaadhayaasha caalamiga ah ee daraasaddan sameeyey waxay xiriiriyeen habnoololeedka qofka inuu xiriir toos ah uu la leeyahay caafimaadkiisa jireed iyo garaadkiisa maskaxeed (IQ), dadka yaraantooda laga billaaba ku soo noolaa nolal wanaagsan ay ka wanaagsan yihiin dadka kale. Waxay sida oo kale khubaradu sheegeen iney cilmibaadhis ku hayaan qofka oo isticmaala cuntootiyinka kalooriga uu ku yar yahay iyo dawooyinka qaar sida ay noolasha qofka u saameyn karaan. Ugu dambeyn, khubaradu waxay daraasaddooda ku soo gabagabeeyeen calaamadaha hordhaca ee la xiriira caafimaadka jirka iyo maskaxda inuu la xiriiro habnoolaleedka qofka, marka dadku waa iney habnooleedkooda inta karaankooda ah ay wanaajiyaan inta ay dhalinyarada yihiin ayna caafimaadka qabaan." https://www.bbc.com/somali/war-50031695 +politics Pakistan: Muxuu yahay codka sirta ah ee xiisadda siyaasadeed ku kiciyay Imran Khan "Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa ka hadlay arrin maalimihii lasoo dhaafay hadal-heyn weyn ka abuurtay waddankaas. Khan ayaa sheegay in arrintani ay tahay sheeko riwaayad ah oo lagu soo jiidanayo dareenka dadweynaha. Waxa uu sheegay in looga gol leeyahay sidii loo carqaladeyn lahaa baaritaannada ku socda Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalkaas, Nawaz Sharif, oo loo heysto eedeymo la xiriira musuqmaasuq. Sharif iyo qoyskiisa ayaa wajahaya maxkamadeyn kaddib markii ay soo ifbaxday inay qayb ka yihiin fadeexadda musuqmaasuqa ee lagu shaaciyay warqadaha Panama. Codkan hadal heynta iyo xiisadda siyaasadeed dhaliyay ayaa la sheegay inuu yahay mid laga soo duubay madixii hore ee Waaxda Caddaaladda dalka Pakistan, Mian Saqib Nisar, oo la maqlayo isagoo qof u sheegaya ""in Nawaz Sharif iyo gabadhiisa Maryam Nawaz ay khasab tahay in xabsi lagu hayo si Imran Khan uu xilka u qabsado mar kale. Sida laga maqlay codka, qofka lagu tilmaamay inuu yahay Garsoore Nisar ayaa yiri: ""Haddii aan u hadlo si daacad ah, nasiib darro waxaa naloo dhiibay farsamooyin noo sheegaya go'aannada aan qaadaneyno. Sidaas darteed waa naloo meeriyay wax walba. Imran Khan waa in la ciqaabo. Aniga waxaa la igu amray inaan Imran Khan xukunka u dhiibo"". Codkan oo lagu shaaciyay website lagu magacaabo ""Fact Focus"" ayaa sidoo kale laga maqlayaa in qofka laga soo duubay uu sheegayo in gabadha uu dhalay Nawaz Sharif ee lagu magacaabo Maryam Nawaz ay sidoo kale ku jirto dadka la qorsheeyay in ay xabsi ku jiraan, iyadoo xitaa aan wax caddeymo ah loo heynin eedeymaha loo jeediyay. Qof kale oo telefoon kula hadlaya ruuxa hadalladaas sheegay ayaa la maqlayaa isagoo leh: 'Maryam lama ciqaabi karo'. Sida lasoo tabiyay, Garsoore Nisar oo taas ka jawaabaya ayaa yiri: ""Haa waa runtaa. Aniga xitaa waan u sheegay saaxiibbadeey in arrintan ay khasab tahay in wax laga qabto, balse aysan igu raacsaneyn. Waaxda garsoorka ma noqon doonto mid xor ah oo madax bannaan. Marka waa sax sida aad sheegtay."" Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Nawaz Shari, iyo xisbigiisa ayaa tan iyo markii uu codkan soo if baxayba dalbadanaya in madixii hore ee Caddaaladda uu sharraxaad ka bixiyo waxa socda, uuna shaaca ka qaado cidda ku khasabtay inuu sameeyo go'aanno dani ugu jiro Ra'iisul Wasaare Imran Khan. Hase ahaatee, Garsoore Nisar ayaa beeniyay in codkaasi uu yahay kiisa, isagoo iska fogeeyay codkan oo uu sheegay inuu yahay ""mid la been abuurtay"". Isagoo la hadlayay wargeyska Pakistan kasoo baxa ee lagu magacaabo Dawn, ayuu yiri: ""Waligey qof kalama hadlin arrintaas mana ihi qofka laga maqlayo codkaas."" Codkan ayaa kiciyay dagaal hor leh oo u dhaxeeya Ra'iisul Wasaare Imran Khan iyo Maryan Nawaz oo markii horeba ay ka dhaxeysay xiisad siyaasadeed. Mr Khan ayaa sheegay in 25-kii sano ee uu siyaasadda kusoo jiray uu musuqmaasuqu ahaa dhibaatada ugu weyn ee ka taagan Pakistan, walina uu ka jiro dalkaas." https://www.bbc.com/somali/war-59429520 +health Carfisada guryaha oo laga digay inay sababto dhimasho "Waaliddiinta gabadh geeriyootay ka dib markii ay qaadatay hawada carfisada guryaha ayaa ka doonaya shirkadda soo saarta carfisadan inay dadka uga digaan halista ka dhalan karta. Giorgia Green, oo gabadh 14 jir ahayd kana soo jeedda Derby, UK, ayaa wadnuhu istaagay ka dib markii carfisada ay ku buufisay qolka jiifka. Waaliddiinteeda ayaa tan iyo xilliggaas ka war ka helay dad da' yar ah oo aan si ula kac aheyn u dhintay kadib markii ay uriyeen carfiso. Iyada oo laga jawaabayo arrintan, ururka warshadaha soo saara carfisadanAerosol ee Britain (BAMA) ayaa sheegay in carfisada ay ku dul qoran yihiin ereyo ""digniino ah oo iska cad"". Sharci ahaan, shirkadaha so saara carfisada waa inay ku dul qoraan weelka ay ku jirto ""ka fogee isla markaana dhig meel aanay carruurtu gaari karin"".\nSi kastaba ha ahaatee, waalidiinta Giorgia waxay yiraahdeen qoraalku far yar buu ku qornaa. Waxay aaminsan yihiin in waalidiin badan ay carruurtooda u iibiyaan carfisada iyagoon dareemin digniinta ku qoran. ""Dadku ma yaqaannaan waxyaabaha halista ah ee ku jira carfisada,"" ayuu yiri gabadha geeriyootay aabbaheed oo la yiraahdo Paul. ""Waxaan jeclaan lahaa in qof ku nool adduunka uusan marin dhibaatadii aan soo maray"". Giorgia waxay qabtay xanuunka autism-ka, aabbaheedna wuxuu sheegay in gabadhiisa ay jacleyd in bustayaasha ay ku buufiso carfiso. ""Udgoonka carfisada ayay jecelyd oo soo jiidatay,"" ayuu yiri Mr Green. Giorgia walaalkeed ka weyn ayaa arkay gabadha iyada oo aan hadleyn xilli ay ku sugneyd qolka jiifka 11 May 2022. ""Albaabka guriga wuu furnaa, ma kala cadda in carfisada ay si daran guriga ugu buufiso iyo in kale balse waxay u muuqataa in wax badan ay ku buufisay halkaas"" ""Mar uun wadnaheeda ayaa istaagay ka dib markii carfisada ay jirkeeda gashay"" Lama ogo sababta ay u geeriyootay balse ""waxaa lagu tirinayaa inay nuugtay carfisada"". Sida laga soo xigtay Xafiiska Tirakoobka Qaranka (ONS), in carfisada lala xiriiyay 11 dhimasho ah intii u dhaxaysay 2001 iyo 2020. Si kastaba ha ahaatee, tirada dhabta ah ee dhimashadu waxay u muuqataa inay ka badan tahay tan, sababtoo ah xaqiiqda ah in walxaha gaarka ah aan had iyo jeer lagu xusin shahaadooyinka muujinaya dhimashada. Shahaadada dhimashada ee Giorgia waxay tilmaamaysaa inay qaadatay hawada carfisada. Butane - oo ah maadada ugu muhiimsan ee laga helay carfisada hawadeeda ay qaadatay Giorgia - ayaa la diiwaangeliyay inay ku lug laheyd 324 dhimasho intii u dhaxaysay 2001 iyo 2020. Propane iyo isobutane - oo sidoo kale laga helay carfisadan - waxaana lala xiriiriyay 123 iyo 38 dhimasho ah. ONS waxay sheegtay in walxahan lala xiriiriyay tiro dhimasho ah, iyadoo xustay: ""Qaadashada hawada butane ama gaasta propane waxay keeni kartaa wadne xanuun."" Ururka Royal ee ka hortagga shilalka ee (RoSPA) ayaa sheegay in tiro dad ah ay dhinteen ka dib markii ay si xad dhaaf ah ay isugu buufiyeen carfiso. Ashley Martin, oo ah lataliyaha caafimaadka bulshada ee RoSPA, ayaa tiri: ""Waa ay fududahay in loo qaato inay gabi ahaanba la isku haleyn karo badqabka oo aan laheyn wax halis ah, run ma ahan arrintaas"". Ururka warshadaha soo saara carfisadanAerosol ee Britain (BAMA bayaan uu soo saaray ayaa sidatan lagu sheegay : ""Ururka (BAMA) wuxuu si dhab ah ula tacaali doonaa dhacdo kasta oo ku lug leh wax soo saarka carfisada, aad ayaan uga murugoonnay inaan ogaanno dhimashada qof aad u da'yar." https://www.bbc.com/somali/articles/c6p8pmr78y9o +sports Dalalka Afrika oo la tartansiiyay, natiijadu maxay noqotay? "Koobka Qaramada Afrika ee 2019-ka ayaa waxaa ku loolamaya 24 dal oo mid kasta uu doonayo in uu koobka qaado. Balse waxaan is leenahay waa wax xiiso leh haddii aan weeydiino su'aal ah ""Dalkee ku guuleysan kara waxyaabaha aanan kubbadda cagta ahayn?"". Waxaan eegeynaa sida dalalka ay ugu kala sareeyaan xawaaraha internetka, cimriga nolosha , musuqmaasuqa hooseeya iyo waliba jaantusyada kale ee muhiimka ah" https://www.bbc.com/somali/war-48999964 +health 'Waxaan u haystay in HIV uu ku dhaco dhalinyarada keliya' "Markii Ashley oo 59 jir ah la geeyay isbitaalka isgoo calool xanuun ka cabanaya, isaga iyo dhaqaatiirtuba xisaabta kuma darsan HIV. ""Waxay yiraahdeen waxba ma qabtid, waxaad keliya qabtaa caabuq - anigoo aan ka war hayn inuu igu dhacay caabuqa ugu daran ee uu qof qiyaasi karo,"" ayuu yiri Ashley. Ashley saddex sano kahor ayaa laga helay HIV, isagoo ka qaaday galmo. Balse baaritaankii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in goor hore uu caabuqu waxyeelleeyay difaaca jirkiisa. Ma aha Ashley keligii - tobankii qof ee ka weyn da`da 50-meeyada ee qabta HIV waxaa la baaray goor dambe sanadkii 2018. Khubarrada caafimaadka iyo hay`adaha samafalka ayaa sheegay in takoor iyo fahan darro laga qabo in dadka waaweyn ay howlgab ka yihiin dhanka galmada ay sababto inaan goor hore la ogaan calaamadaha. ""Dadka ka weyn 50 sano ee reer leh amaba ay xaasaskooda amaba seygooda kala tageen, waxay u haystaan inay badqabaan,"" ayuu yiri Ashley. ""Sababtoo ah dadkaasi uur ma yeelan karaan, 'wax khatar ahi ma jirto'. ""Sababtoo ah 'xanuunnadaas waxay ku dhacaan da`yarta'. Balse sidaasi maaha, qof walba ayay ku dhici karaan."" Daraasadda barnaamijka Victoria Derbyshire ayaa muujinaysa in cudurrada galmada la isku qaadsiiyo (STIs) ee ku dhaca dadka ay da`doodu 40-meeyada ka weyn tahay ay boqolkiiba saddex kordheen shantii sano ee la soo dhaafay. Norah O'Brien, waa khabiir dhanka caafimaadka galmada, waxay sheegtay in dadka waaweyn qudhooda aysan isku haysan inay khatar ku jiraan. Waa aragti ay qabto Karen Norton oo 63 jir ah, taasoo sanado kahor caabuqa HIV qaadday mar ay joogtay Afrika. ""Badankeen waxaan aaminsan nahay inaanan nala loodin karin oo aysan marnaba nagu dhici karin,"" ayay tiri. ""Khubarradu waxay u maleeyaan in dadka ka weyn 50 sano uusan xanuunkan ku dhici karin. ""Waa wax aan dhammaanteen guud ahaan ka sameyno dadka ka weyn 50-ka sano. ""Runtii ma jeclid inaan ka fekerto in hooyadaa ama aabbahaa uu xanuunkan ku dhici karo - balse waa suurtogal."" Karen waqti dheer ayay ku qaadatay inay ka hadasho xanuunkaas, iyadoo ka baqaysa in lagu takooro. ""Waxaad dareemeysaa inaad hayso sir xun oo ay tahay inaad qariso,"" ayay tiri. ""Haddii aad sameyso galmo aadan ka taxadarin wuu kugu dhici karaa xanuunka. Aniga ayaa tusaale u ah."" Bishii la soo dhaafay, daraasadda ayaa muujisay in tirada dadka qaba HIV ee ku nool UK ay hoos u dhacday sanadkii 2012. Ururka Terrence Higgins Trust ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay in diiradda la saaro bulshada la takooro ee lala xiriiriyo xanuunka. Dadka waaweyn ayaa weli xusuusta ololihii HIV/Aids ee sanadihii 80-meeyadii iyo 90-meeyadii, iyagoo sheegay inaysan helin warbixin sax ah. Dadka xilli hore loo soo qoro daawooyinka xanuunka HIV ee anti-retroviral ayaa la sheegay inay sii noolaan karaan oo ay dadka kale la mid yihiin. Balse dadka goor dambe la ogaado inay caabuqa qabaan ayaa dhimasho khatar ugu jiray isla sanadkii la baaray marka loo barbar dhigo kuwa goor hore la baaray ee si degdeg ahna u bilaabay daaweynta. Ashley ayaa dhibaato kala kulmay inuu goor dambe ogaaday xanuunka. ""Waxba kama qabo inaan la noolahay HIV. Gebi ahaanba waxba kama qabo. Balse waxaan ka xumahay inaan xilli dambe ogaaday - oo aysan goor hore iga helin,"" ayuu yiri Ashley. ""Waqti dheer ayay ahayd… waxyeello ayaana jirkeyga gaartay - xoogaa waan ka xumahay.""" https://www.bbc.com/somali/war-51469429 +health Coronavirus: Maxaabiis ay suuragal tahay in la sii daayo "Dowladda UK ayaa ka fekereysa inay qaar ka mid ah dembiilayaasha ka sii deyso xabsiyada England iyo Wales si loo ayreeyo baqdinta ka dhalatay xanuunka safmareenka ah ee coronavirus. Xoghayaha Caddaaladda, Robert Buckland, ayaa sheegay in fayrasku uu khatar ka abuuray gudaha xabsiyada, oo qaarkood ay buux dhaafeen. Illaa 3,500 oo shaqaalaha xabsiga ah ayaa shaqada ka maqnaa Talaadadii, sababo la xiriira inay xanuunsadeen amaba ay qaarkood is karantiileen. Mr Buckland ayaa sheegay in sii deynta qaar ka mid ah maxaabiista ay sahli karto yareynta baqdinta laga qabo fayraska. Xoghayaha Caddaaladda ayaa guddiga caddaaladda u sheegay inuu rajeynayo in maxaabiista muddo gaaban la sii daayo, ka dib marka qiimeyn lagu sameeyo. Mr Buckland ayaa intaas ku daray inuu aad uga fiirsanayo in 50 maxaabiis oo haween uur leh ah la sii daayo iyo inkale. Wuxuu sheegay in laga yaabo in illaa 9,000 maxaabiis oo xukun sugayaal ah, loo wareejiyo meelaha lagu hayo dadka damaanadda ku jooga. Madaxa siyaasadda iyo arrimaha dowladda hay`adda Amnesty International ee UK, Allan Hogarth, ayaa sheegay in maxaabiista da`da ah iyo kuwa qaba xaaladaha caafimaad si degdeg ah looga fekeri doono in la sii daayo ""haddii aysan khatar gelineynin naftooda iyo tan bulshada"". Hadalka Mr Buckland uu ka hor sheega guddiga ayaa ku soo aaday xilli la mamnuucay dhammaan booqashada maxaabiista, tan oo qeyb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka fayraska. Dadka bannaanka ka imaanaya, kooxaha xuquuqda dadka u dooda iyo fasallada waxbarashada ayaa dhammaan la joojiyay, waxayna maxaabiista ku jirayaan qolalkooda 23 saac maalintii. Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegtay in 55 maxaabiis guud ahaan England iyo Wales la siin doono 900 oo telefoonno ah si ay maxaabiistu xiriir joogto ah ula yeeshaan qoysaskooda. Telefoonnada ayaan lahaan doonin internet, waxaana keliya la siin doonaa maxaabiista muddo kooban kaddib marka qiimeyn lagu sameeyo. Illaa 13 maxaabiis ayaa hadda laga helay fayraska Corona. Kiisaskan ayaa laga soo sheegay sagaal xabsi, inkastoo laga shakisan yahay inay kiisas kale ka jiraan xabsiyada kale. Sida laga soo xigtay waaxda caafimaadka dalkaas in ka badan 8,000 oo kiisaska coronavirus ah ayaa laga soo sheegay UK - inkastoo laga yaabo in tirada saxda ah ay intaas ka badan tahay. 422 qof ayaana UK ugu dhintay xanuunka. Dowladda UK ayaa ka fekereysa inay qaar ka mid ah dembiilayaasha ka sii deyso xabsiyada England iyo Wales si loo ayreeyo baqdinta ka dhalatay xanuunka safmareenka ah ee coronavirus." https://www.bbc.com/somali/war-52034801 +sports Premier League: Cristiano Ronaldo aad buu 'u naxsanaa' inta aysan bilaabanin ciyaartii Manchester "Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu 'aad u naxsanaa' ka hor inta uusan dhalinin labo gool oo uu shabaqa ku hubsaday kulankii ugu horreeyay ee uu ciyaaray tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United. Waxa uu halyeey ka ahaa ciyaartii Sabtidii ka dhacday garoonka Old Trafford ee ay 4-1 uga badiyeen kooxda Newcastle. Tababaraha United, Ole Gunnar Solskjaer, ayaa sheegay in Ronaldo uu taageerayaasha u sahlay inay mar kale ""riyoodaan"". Laacibka 36 jirka ah ayaa markii ugu horreysay kasoo muuqday Old Trafford isagoo xiran funaanadda Manchester United, taasoo ay ugu dambeysay 12 sano ka hor. ""Ma fileynin inaan dhaliyo labo gool,"" ayuu yiri rugcaddaaga reer Portugal. ""Waxaan filayay hal balse ma fileynin labo. Waxay ahayd xaalad aan la rumeysan karin."" Ronaldo ayaa United u dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u ciyaaray intii u dhaxeysay 2003-dii - oo uu kusoo biiray isagoo aan labaatan sano gaarin - ilaa 2009-kii, markaas kaddibna waxa uu aaday Real Madrid oo ku iibsatay £80m. 12-kii sano ee xigay waxa uu 551 gool u kala dhaliyay Rael iyo Juventus, ka hor inta uusan si lama filaan ah ugu soo laabanin United oo maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kusoo gadatay £12.8m. Mid ka mid ah shanta koob ee Champions League-ga ee uu ku guuleystay iyo mid ka mid ah shanta abaal marin ee Ballons d'Or ee uu heysto waxa uu helay intii uu ku sugnaa England. Taageerayaasha Manchester United ayaa aad u sugayay inay arkaan isagoo u ciyaaraya mar labaad, isaguna waxa uu tusay bandhig ka wanaagsan midkii ay filayeen. Intii ay ciyaarta socotay oo dhan kumannaanka taageere ee ku sugnaa Old Trafford waxay ku heesayeen magaca Ronaldo, arrintaas oo uu aad uga mahad celiyay markii uu wareysiga siinayay qaybta ciyaaraha ee BBC-da. ""Waxay ahayd xaalad cajiib ah. Markii aan billaabayay ciyaarta waan naxsanaa, i aamin,"" ayuu yiri. ""Ma aanan fileynin inay magaceyga ku heesi doonaan waqtigii ay ciyaarta socotay oo dhan. Sida la ii soo dhaweeyay waa cajiib, halkan waxaan u joogaa inaan guuleysto oo aan caawiyo kooxda,"" yuu yiri Ronaldo. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay; ""Runtii aad iyo aad baan u cabsanayay, xalay waxaan ku fakarayay sida aan u rabo inaan bandhig wanaagsan lasoo shir tago iyo inaan muujiyo sida aan u awoodi karo inaan kooxda caawiyo. Kooxdan waa koox cajiib ah anigana waan ku faanayaa. Waxaan sameyn doonaa dadaal kasta oo suurtagalinaya inay igu faanaan."" Ronaldo ayaa United labo jeer u sahlay inay gacan sarreyso, isagoo qaybtii hore ee ciyaarta ka dhigay 1-0, qaybtii dambeyna iyadoo 1-1 ah ayuu ka dhigay 2-1. Tababaraha Manchester United, Solskjaer, ayaa Ronaldo la ciyaarayay markii ugu horreysay ee uu u saflay United sanadkii 2003-dii. Ciyaartii Sabtida kaddib waxa uu sheegay inuu aad ula dhacay wax qabadka Ronaldo. ""Aad baan ugu faraxsanahay Cristiano,"" ayuu ku yiri wareysi uu BBC Sport. ""Waxaan aad ugu faraxsanahay kooxda iyo taageerayaasha. Waad fahmi kartaa dareenka garoonka agagaarkiisa ah tan iyo maalintii uu heshiiska saxiixay."" ""Waxay la mid ahayd sida maalmihii waagii hore. Waxay ahayd maalin khaas ah. Cristiano Ronaldo waa nin uusan noociisa jirin, waana ciyaartoy uusan jirin mid kale oo la mid ah marka la eego taariikhda kooxdeenna.""" https://www.bbc.com/somali/war-58534344 +health Coronavirus: Dawada been abuurka ah ee Covid-19 ee dukaamada qaar ee London lagu iibiyo "Daawo lagu sheegay kor u qaadaha habdhiska difaaca aadamaha ayaa lagu iibinayaa qaar ka mid ah dukaamada London, sida baadhitaanka BBC-da lagu ogaaday. Daawada loo yaqaan 'Coronil', ee ka timaadda geedaha lagana keeno Hindiya, ayaa laga helay iyada oo lagu iibinayo dukaamo ku yaal aagagga ay u badan yihiin Aasiyaanku ee ku baahsan caasimadda. Soosaarayaasha Patanjali Ayurved waxay sheeganayaan in kiniinkani ay ka hortagaan ""infekshinka saameeya neef mareenka"". Tijaabooyin loo qaaday BBC-da ayaa muujinaya in kaniiniyadu aysan wax difaac ah ka geysanayn coronavirus. Tijaabo shaybaar oo dawada ah oo ay u sameysay jaamacada Birmingham warbaahinta BBC ayaa muujisay kaniiniyada in ay ku jiraan maaddooyin ku saleysan dhir oo aan difaaci karin Covid-19. Dr Maitreyi Shivkumar oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga fayraska ayaa sheegay in fikirka ah ""kor u qaadida"" difaaca uusan macno samaynaynin marka la eego daaweynta coronavirus. ""Waxaa jira waxyaabo badan oo oo aan macno lahayn oo ku saabsan sida habka difaaca jidhkeennu uga jawaabo fayraska. Xitaa ma ogin in kordhinta difaaca jidhka ay caawiso,"" ayay tiri. Ma cadda waxa Coronil uu isku dayayo inuu ku sameeyo nidaamka difaaca jirka. Shuruucda xayeysiinta ee UK ayaa mamnuucaya tixraacyada 'Covid-19' iyo 'kor u qaadista difaaca jirka'. Sheegashooyinka kuwan la midka ah ayaa laga oggol yahay Hindiya, halkaas oo Patanjali Ayurved uu ku leeyahay taageerayaal badan. Hal dukaan oo ku yaal Wembley ayaa uu ku xayeysiiya Coronil inuu yahay ""kordhiyaha habdhiska difaaca jidhka"" dukaankooda iyo degelkoodaba. BBC waxay heshay ugu yaraan afar dukaanno kale oo kaniinigan iibiya, iyagoo ku andacoonaya inay daweeyaan Covid-19. Mid ka mid ah macaamiisha ayaa u sheegay BBC: ""Waxaan u qaatay sababta oo ah waxaan ahay 78. ""Haddii aan u baxo dukaameysiga waxaan ka qaadi karaa qof kasta coronavirus. Taasi waa sababta aan u qaato… inaan naftayda u ilaaliyo."" Ma jiraan sheegashooyin caafimaad oo la oggol yahay oo ka jiri kara Boqortooyada Midowday (UK) in walax kasta ay ""kor u qaadi karto"" difaac, sida ay sheegtay Hay'adda Heerarka Xayeysiinta (ASA). Ka hortagga, daaweynta ama yareynta calaamadaha coronavirus lama sameyn karo wax khuseeya iyadoon liisan laga haysan Hay'adda sharciyadaas u qaabbilsan dalkan (MHRA) ee dawooyinka iyo caafimaadka. MHRA, oo aan ansixin Coronil in la isticmaalo, waxay tiri: ""Tallaabo ku habboon ayaa laga qaadi doonaa meesha wax soo saar dawo oo aan loo oggoleyn lagu bixiyo ama lagu iibiyo suuqa UK."" Aasaasihii Patanjali Ayurved Baba Ramdev ayaa bishii Juun sheegtay in Coronil uu daweeyey bukaannada Covid-19. ""Daawadayadu waxay keentay in 69% bukaanada loo yaqaan in ay qabaan 'coronavirus ay tijaabiyaan saddex maalmood ka dib waxay caafimaadi doonaan 100% Dowlada India ayaa sheegtay in Patanjali Ayurved uu suuq geyn karo coronil-ka si uu u xoojiyo xasaanadda laakiin uusan daawo u aheyn. Patanjali Ayurved ayaa hada ka noqday sheegashadiisa ah in Coronil ay daawo u tahay Covid-19. Sida laga soo xigtay Full Fact, oo ah hay'ad madax-bannaan ayaa sheegtay, ""macluumaad khaldan oo sidan oo kale ah ayaa waxyeello u geysan kara caafimaadka iyo dhaqaalaha dadka"". Abbas Panjwani, oo ah cilmi baare ka tirsan shirkadda Full Fact, ayaa yiri: ""Inta lagu jiro aafada, waa wax dabiici ah oo malaha la fahmi karo in dadku jawaabo raadsadaan.""" https://www.bbc.com/somali/war-55407720 +politics """Shiinaha iyo Mareykanka labaduba inama rabaan""" "Ardayda Shiinaha ee Mareykanka ugu xanniban sababaha la xiriira fayraska corona iyo siyaasadda sii xumaaneyso ee Shiinaha iyo Mareykanka ayaa haatan waxay dib uga fakarayaan dalkan soo dhaweeyay iyo dalkooda hooyaba. Sideed sannadood ka hor Shizheng Tie oo xilligaasi 13 sanno jir ahayd ayaa waxay Shiinaha ka soo haajirtay iyadoo kaligeed ah si ay wax uga barato Mareykanka. Xilli ayay ku fakari jirtay riyadeeda Mareykanka balse haatan waxay sheegeysaa iney Mareykanka ku dareemyeso cidlo iyo iney marti ku tahay. ""Anigoo Shiinaha u dashay kuna nool Mareykanka, haatan waxaan dareemayaa cabsi,"" ayay tiri. Tie, oo haatan ah ardayad dhigata Jaamacadda Johns Hopkins ayaa haatan Ameerika ku tilmaameysa iney ka soo horjeeddo Shiinaha."" Ilaa 360,000 oo ah araday Shiinees ah ayaa dhigata iskuulada Mareykanka. lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxay la kulmeen laba dhibaato oo waaweyn oo kala ah: Fayraska corona iyo xiIsadda u dhaxeysa Shiinaha iyo Mareykanka taasi oo badashay fikaradahooda ku aaddan laba dal. Inta badan ardayda Shiineska ah ee wax ka barata Mareykanka, iyaga ayaa iska bixiya kharashaadka ay wax ku bartaan waxayna ku raja weynyihin waxbarashada reer galbeedka taasi oo sida ay aaminsan yihiin ku hogaamineyso mustaqbal wanaagsan. Dhanka kale, xukuumadda Washington ayaa ka digeysaa in dhammaan ardayda Shiinaha u dhalatay ee wax ka barta Mareykanka aysan wada ahayn arday caadi ah oo qaarkood waxa ay meesha u joogaan xukuumadda Beijing. Maamulka Trump ayaa mar sii horreysay joojiyay dal-kugalka ilaa 3,000 oo arday ah, kuwaasi oo ay aaminsan yihiin iney xiriir la leeyihiin milatariga Shiinaha. Sidaasi darteed haatan arday badan oo Shiinees ayaa ka cabsi qaba iney noqdaan bartilmaameed dhanka siyaasadda ah. Tie ayaa haatan doorbideysa iney dib ugu laabato Shiinaha oo haatan la xakameeyay Faafidda fayraska corona. Balse waddanka ayaa amar ku bixiyay in la yareeyo duullimaadyada caalamiga ah. Kaddib walalkii fayraska corona ee dalkooda, haatan ardaydan Shiineeska ah waxay wajahayaan dhibaatooyinka coronavirus ee Mareykanka. Waxay dareemeen xasilooni darro iyo midabtakoor kaddib hadalladii madaxweyne Trump ee ahaa ""Hargabka Kungu"" iyo ""fayaska Shiinaha"". Xitaa qaarkood waxay la kulmeen tacaddiyo faquuq ah. Inkastoo ay haysato dhibaato la xiriirata xaddidaada socdaalka ee Shiinaha, Tie ayaa sheegeysa iney waddaninimadeeda korortay tan iyo markii ay bilaabatay nolosheeda dibadda. ""Waxaan aaminsanaa in Mareykanka uu noqon doono dhulka cajiibta ah ee riyadeeyda balse haatan sidaasi ma aaminsani,"" ayay ku qoratay wargeysa iskuulkeeda bishii Juun mar ay dhaleeceynaysay midabtakoorka iyo naceybka Ameerika."" Bilowgii bishii July, xukuumadda Washington ayaa ku dhawaaqday siyaasad dalkeeda looga mamnuucayo iney ardayda wax ka barata joogaan, balse go'aankaasi dib ayaa loo laalay kaddib markii la cambaareeyay. ""Inaan wax ka barto Mareykanka khibrad muhiim ah ayay u ahayd nolosheyda, weligeyna ka shalaayi maayo."" ""Balse waxaan u kululahay inaan ka qeyb qaato isbadalka Shiinaha oo ah halka shaqadeyda ay micno ku yeelaneyso,"" ayay tiri Tie." https://www.bbc.com/somali/war-53652818 +health Khatar caafimaad oo ka dhalan karta hilibka digaagga oo la dhaqo ka hor inta aan la karin Dad badan waxaa laga yaabaa inay u malayaan in hilibka digaagga oo lo dhaqo ay tahay arrin wanaagsan.Ma jirto faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan xaqiiqda dhabta ah. Dhaqista hilibka digaagga wuxuu kordhiyaa khatarta caafimaad iyo sumowga cuntada. Hay'adda heerarka cuntada dalka Ingiriiska ee magaceeda loo soo gaabiyo (FSA) ayaa muddo dheer ka digaysay in hilibka digaagga oo la dhaqo ka hor inta aan la karin ay ka dhalan karto kkatar la xiriirta bakteeriyada loo yaqaanno (campylobacter) oo ku faafta gacmaha qofka dhaqaya,maacuunta iyo dharka qofka. Balse dad badan ayaan dhag dhalaq u siinin digniinta arrintaan laga bixiyay oo howlahooda si caadi ah isaga wata. Marka aad digaagga dhigto tubada biyaha hoosteeda oo aad ku furto biyaha, waa hubaal in firirka biyaha uu gaarayo wax walba oo yaalla aagga ku dhow tubada. Qaabkaas ayaa ah kan keenaya in bakteeriyadu faafto oo ay gaarto jirkeenna iyo alaabaha kale ee muhiimka ah ee xilligaas yaalla agagaarkeenna. Qof kasta arrintaan kuma baraarugsana. Sida ay sheegtay hay'adda FSA, 44% dadka ku nool dalka Ingiriiska, waxay dhaqaan hilibka digaagga ka hor inta aysan karin. Sababaha ugu badan ee arrintaa dadku u sameeyaan ayaana lagu sheegay inay tahay in hilibka laga dhaqo wasakhda saaran sida dhiigga amba ay tahayba wax dadku mar walba sameyaan oo ay la qabsadeen. Bakteeriyada loo yaqaanoo Campylobacter waa waxa ugu badan ee sababa sumowga cuntooyinka,waxaana dadka ku dhaca calool-bax gaarahaanna xilliyada uu qofku yahay safarka. Cudurkaan caadi ahaan waxaa sababa digaagga ceeriin iyo khudaarta darayga ah .Bakteeriyadani waxay ku faaftaa cunista ama cabbitaan leh cudur,sida laga soo xigtay xaruunta MedlinePlus, waxaana ka dhalan kara shuban, calool xanuun, qandho, la-labbo iyo matag. Xanuunnada la xiriira bakteeriyada Campylobacter, inta badan dadku waxay la xanuusadaan maalmo kooban, laakin dhanka kale waxaa ka dhalan kara xaalado caafimaad darro oo waqti dheer qaata. Cudurada ka dhalan kara waxaa ka mid Mdhicir-wareenka kaas oo dhibaato u keeni kara habdhiska caafimaadka jirka. Arrintaa sidoo kale qofka waxay u horseedi kartaa dhimasho gaarahaan carruurta iyo dadka waayeelka ah. Waxyaabaha bakteeriyadan looga hortagi karo waxaa ka mid ah cabista biyo badan, cuntooyin kookooban oo aad cunto maalintii oo dhan, halkii aad qadar badan oo cunto ah hal mar aad ka u cuni lahayd waxaa ka haboon in aad cunto. cunto aan badnayn waqtiyo kala duwan. Si kastaba ha ahaatee waxaa mar walba muhiim ah in aad la xiriirto dhaqtar oo aad u sheegto waxa aad dareemayso si laguu siiyo talooyin wanaagsan oo aan caafimaadkaada waxyeello u gaysan marnaba. https://www.bbc.com/somali/war-61625748 +health Dhaktar bukaanno uu daweeyay u sameeyay arrin lama filaan ah "Dhakhtar u dhashay waddanka Mareykanka oo ku takhasusay daweynta cudurka kansarka ayaa iska cafiyay lacag ku dhow $650,000 oo doolar oo deyn ahaan loogu lahaa bukaanno ay tiradoodu gaareyso 200 oo ruux. Tallaabadan ayuu dhakhtarku qaaday kaddib markii uu ogaaday in dadkaas ay caqabad ka heysato bixinta lacagta. Dr Omar Atiq ayaa xaruntii daweynta kansarka oo ku taalla gobolka Arkansas albaabbada isugu dhuftay sanadkii lasoo dhaafay kaddib markii ay shaqeyneysay ku dhawaad 30 sano. Wuxuu adeegsanayay shirkad deymaha soo aruurisa oo uu kala shaqeynayay in ay dib ugu soo celiso lacagta ka maqan, hase yeeshee wuxuu ogaaday in qoysas badan ay dhaqaale yaraan ba'an soo food saartay markii uu saameeyay cudurka safmarka ah ee Covid-19. Maalmihii lagu jiray fasaxa ciidda masiixiyiinta ayuu bukaannada u qoray warqado uu ugu sheegayo in dhammaan deymihii laga masaxay. ""In muddo ah ayaa ku fahmay in ay jiraan dad aan waxba iska bixin karin,"" ayuu yidhi Dr Atiq oo la hadlayay barnaamij ka baxa telefishinka ABC. ""Sidaas darteed aniga iyo xaaskeyga, qoys ayaan ayaan uga fikirnay arrintaas waxaana la tashannay inaan cafinno dhammaan deymaha. Waxaan isla garannay inaan sameyn karno sidaas waana ku dhaqaaqnay,"" ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Dr Atiq, oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka Pakistan, ayaa xarunta caafimaaka ka sameeyay gobolka Arkansas sanadkii 1991-kii, isagoo adeegyo iyo daweyn kala duwan u sameynayay dadka qaba cudurka dilaaga ah ee kansarka. Hadda wuxuu barfasoor cilmiga seyniska ah ka yahay Jaamacadda Arkansas. ""Waxaan is tusnay in uusan jirin waqti ka fiican midka hadda lagu jiro ee uu socdo cudurka safmarka ah oo arrin fiican la sameyn karo, sababtoo ah waxaa aad hoos u dhacay noloshii dadka iyo dhaqaalihii ay heysteen,"" ayuu yidhi Dr Atiq, oo uu soo xigtay wargeys kasoo baxa gobolka. Madaxa shirkadda deymaha soo aruurisa ee caawineysay dhakhtarkan ayaa Dr Atiq ku tilmaamay ""qof aad u naxariis badan"". ""Mar walba si dabacsan ayuu noola shaqeyn jiray,"" ayuu yidhi Bea Cheesman, oo madax u ah shirkadda RMC of America. ""Waa arrin cajiib ah in isaga iyo qoyskiisa ay deymahaas u cafiyaan dadka la xanuunsanaa kansarka ee dhaqaale xumadu ay ku dhacday."" David Wroten, oo ah ku xigeenka madaxa ururka caafimaadka ee gobolka Atkansas ayaa sheegay in Dr Atiq uu soo wacay ""una sheegay in ay sax tahay arrinta la xiriirta in uu bukaannadiisa u cafiyay deymihii uu ku lahaa."" ""Haddii aad tahay qof yaqaannay Dr Atiq, waad fahmeysaa tallaabada uu qaaday,"" ayuu yidhi Mr Wroten. ""Marka hore, waa mid ka mid ah dhakhaatiirta ugu aqoonta badan ee aan abid la kulmay, laakiin sidoo kale waa mid ka mid ah dhakhaatiirta ugu naxariista badan ee aan abid isbarannay.""" https://www.bbc.com/somali/war-55575021 +business """Waxay igu tilmaameen qof waalan markii aan u sheegay inaan shirkad furanayo""" "Milkiilaha shirkadda caanka ah ee sameysa waxyaabaha jirka lagu qurxiyo ee saldhigeedu yahay Mareykanka, Tata Harper ayaa sheegtay in aasaasidda shirkaddeeda ay dadku la yaabeen markii hore. Ujeeddada Tata Harper ee soo saaridda waxyaabo dabiici ah oo jirka lagu qurxiyo ayaa soo bilaabatay markii adeerkeed hooyadeed qabay laga helay cudurka kansarka sanadkii 2005. Dhaqaatiirtiisa ayaa kula taliyay inuu wax ka beddelo hab-nololeedkiisa. Waxay doonayeen inuu yareeyo waxyaabaha kiimikada leh ee jirkiisa galaya, haddii ay ahaan lahayd cuntada uu cunayay, amaba waxa uu jirkiisa u isticmaalayay sida shaambada iyo saabuunta. Ms Harper ayaa sheegtay in tani ay horseedday inay xaqiiqsato in iyada iyo inta kale ee qoyska, ay sidoo kale u baahan yihiin inay isbeddel sameeyaan. ""Intii aan isaga u raadinayay waxyaabo cusub oo dabiici ah, waxaan sidoo kale nafteyda u raadinayay waxyaabo cusub, sababtoo ah waxaan isku dayay inaan ku noolaado nolol caafimaad leh,"" ayay tiri haweeneydan 44-sano jirka ah ee u dhalatay dalka Colombia. Waxay u jeesatay cuntooyinka dabiiciga ah, waxayna gurigeeda u isticmaali jirtay waxyaabaha lagu nadiifiyo oo aan kiimiko lahayn. Si kastaba, waxay ka cago jiideysay in waxyaabaha qaaliga ah ee kiimikada leh ay uga guurto kuwa dabiiciga ah. ""Waxaan ahay gabar Latin ah waana jeclahay waxyaabaha la isku qurxiyo,"" ayay tiri. ""Waxyaabaha dabiiciga ah aad ayay rakhiis u ahaayeen, waxay ka sameysnaayeen sida saddex shey oo qura, kuma beddelan doono waxyaabaha jirka lagu qurxiyo ee qaaliga ah ee lagu sameeyo dalka Switzerland."" Balse mar walba waxay dareemeysay in boos uu ka bannaan yahay suuqa is qurxinta, ayna ka maqan tahay shirkad soo saarta waxyaabaha dabiiciga ah. Sidaas darteed, inkastoo aysan wax khibrad ah u lahayn - waxay ahayd injineer dhanka warshadaha ah oo ka shaqeysay horumarinta - waxay go`aansatay inay sameysato ganacsi u gaar ah. Shirkaddan oo ay ugu magac dartay ayaa qiimaheeda lagu qiyaasay in ka badan $65m (£49m), waxaana sanadkii ka soo xaroota canshuur ka badan $25m. Dhanka kale, jilaayaasha kala ah Gwyneth Paltrow, Kate Hudson iyo Hilary Duff ayaa ka mid ah taageerayaasheeda ugu waaweyn, wargeyska Forbes ayaana ugu yeera ""Boqoradda dhaqdhaqaaqa waxyaabaha la isku qurxiyo ee dabiiciga ah"". Iyadoo ku fakaraysa inay aasaasto shirkad soo saarta waxyaabaha jirka lagu qurxiyo, ayaa waxay bilowday inay baaritaan badan ku sameyso waxyaabaha dabiiciga ah, dawooyin dhireedka iyo cilmi baarista dhanka dhirka. Maalqabeenkii muddo kooban ku khasaaray 2 bilyan oo doolar Nin hal kalluun ah ku iibsaday ku dhawaad 2 milyan oo doolar Nin xaaskiisa lacag badan ugu gaday dirac aanan jirinba Si kastaba, dadka ayaa qorshaheeda shaki ka muujiyay. ""Dadku waxay ii sheegeen inaan waalanahay,"" ayay tiri. ""Waxa aan kala kulmay suuqa waxay ahayd in waxyaabaha la isku qurxiyo ee qaaliga ah iyo kuwa dabiiciga ah aysan isla jaan qaadi karin."" Kama aysan niyad jebin, waxayna iyada iyo seygeedii hore qarash yar oo ay heysteen ku bilaabeen ganacsigooda. Waxay sheegtay inaysan ahayn howl fudud. ""Caadi ahaan, soo saaridda waxyaabaha lagu qurxiyo jirka waxay qaadataa labo toddobaad. baaritaanka wuxuu nagu qaatay shan sano."" Sanadkii 2010 wax soo saarkii ugu horreeyay ayaa diyaar u ahaa in la iibgeeyo, kaddibna ganacsiga Tata Harper ayaa la furay. Markaas kaddib Tata, Henry iyo saddexdooda carruurta ah ayaa u guuray beer wax soo saarka dabiiciga ah ay ka baxaan oo ku taalla gobolka Vermont ee Mareykanka, oo 350 meyl waqooyi-bari kaga beegan magaalada New York. Ilaa iyo haatan dhammaan wax soo saarka shirkadda halkaas ayaa lagu sameeyaa. Wax soo saarka shirkadda waxaa laga sameeyaa dhir ka baxda beerta, iyo waxyaabo kale oo dabiici ah oo laga keeno ilaa 70 dal. Gabadhan oo ku dhalatay kuna barbaartay magaalada Barranquilla ee dalka Colombia, markii ay yareyd waxay waxyaabaha la isku qurxiyo oo ay miraha ka sameysay u sameyn jirtay ayeydeed. Marki ay iskuulka dhammeysay waxay jaamacad u aadday Mexico, halkaas oo ay shahaadada koowaad ee injineernimada warshadaha ka qaadatay Monterrey Institute of Technology. Kaddib sanadkii 2000 ayay u wareegtay Mareykanka, halkaas oo iyada iyo ninkeedii hore ka bilaabeen iibinta guryaha. Sanado yar kaddib waxay isla ganacsigaas ka bilaabeen magaalada New York, waana markii Harper adeerkeed laga helay kansarka. Shirkaddeeda waxaa haatan u shaqeeyaa ilaa 150 qof, waxaana sannadka kasta sare u kaca sare u kacaa boqolkiiba 50 badeecadaha ay iibiyaan. Markii uu dunida saameeyay safmarka Corona, Harper waxaa ganacsigeeda saameeyay dhibaatada ka dhalatay cudurka, waxay si kumeel gaar ah u xirtay xarunteedii wax soo saarka." https://www.bbc.com/somali/war-53763662 +sports Maxaa sababay isbuurashada dadka badan ku dhinteen ee ka dhacday Indonesia? "In ka badan 170 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla dalka Indonesia, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta.\nWaxay saraakiisha ku tilmaameen dhacdadan masiibadii ugu ba'neyd ee ka dhacdo garoon kubadda cagta ah caalamka. Isbuurashada ayaa dhacday markii ay booliska sunta dadka ka ilimeysiisa ku rideen dad dhigayay dibadbaxyo markii dambe isku baddalay rabshado. Ku dhawaad 180 qof ayaa ku dhaawacmay isbuurashada kadib markii kooxda kubadda cagta Persebaya Surabaya ay ka adkaatay kooxda kale ee tartanka adag uu kala dhexeeyo ee Arema FC. Wasiirka amniga ee dalka Indonesia ayaa sheegay in tirada dadka ciyaarta daawaneysay ay kor u dhaafeen 4,000 oo qof, tiradaas oo ka badneyd inta loogu talagalay garoonka. Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa amar ku bixiyay in dhamaan ciyaaraha horyaalka Indonesia la joojiyo ilaa inta baaritaan looga sameynayo masiibadan. Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay taageerayaasha oo ku kala orddaya gudaha garoonka kadib markii la yeeriyay seeriga. Booliska ayaa markii dambe sunta dadka ka ilimeysiisa ku riday taageerayaasha taasoo keentay in dad badan ay isbuurtaan arrintaas oo horseeday kiisas neef qabatin ah, ayuu yiri Nico Afinta, oo ah taliyaha booliska ee degmada East Java.\n""Xaaladda faraha ayay ka baxday, dadka waxay bilaabeen inay weeraraan askarta, waxay waxyeello u geysteen baabuurta"" ayuu yiri taliyaha booliska ee degmada East Java.\nWuxuu intaa ku daray in labo askari ay ku dhinteen isbuurashada.\n""Dhammaantood dadka qaska ma aysan wadin ilaa 3,000 qof ayaa gudaha usoo galay garoonka"". Muuqaalo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya taageereyaasha oo ku xoomaya xayndaabyada garoonka si ay u baxsadaan. halka muuqaallo lagu arkayay wax u muuqday meydadka dadka oo goobta daadsan. Xiriirka kubadda cagta adduunka ee Fifa ayaa sheegay in aanay aheyn in booliska ku sugnaa garoonka inay adeegsadaan sunta dadka ka ilimeysiisa. Xiriirka Kubadda Cagta Indonesia ee PSSI ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan, iyagoo intaa ku daray in dhacdadani ay ""sumcad darro u horseeday kubadda cagta Indonesia"". Kuma cusbo Indonesia rabshadaha ka dhaca garoomada kubadda cagta, kooxaha Arema FC iyo Persebaya Surabaya, waxaa in muddo ah ka dhexeeyay xifaaltan.\n\nTaageerayaasha kooxda Persebaya Surabaya ayaa laga mamnuucay inay iibsadaan tigidhada ciyaarta sababtoo ah cabsi laga qabo inay isku dhacaan taageerayaasha kale. Balse wasiirka amniga Mahfud MD ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay in taageerayaasha laga iibiyay 42,000 tikidh ah kuwaasoo galay gudaha garoonka Kanjuruhan stadium, oo loogu talagalay in uu qaado oo kaliya ah 38,000 qof. Madaxweyne Joko Widodo ayaa ku baaqay in dhacdadan ay noqoto 'masiibadii ugu dambeysay ee kubadda cagta ee ka dhacdo dalkiisa. Wuxuu amray in la joojiyo tartanka Liga 1 tan iyo inta laga gabagabeynayo baaritaanka dhacdadan. Waa masiibadii ugu dambeysay uguna ba'neyd ee ka dhacdo garoonka kubadda cagta ah oo ku yaalla caalamka. Sanadkii 1964-tii, 320 qof ayaa ku dhimatay halka 1,000 qof ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday tartankii isreebreebka olimbikada ee u dhexeeyay Peru iyo Argentina. Gudaha UK, 97 kamid ah taageerayaasha kooxda Liverpool ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoonka Hillsborough ee ku yaalla Sheffield sanadkii 1989-kii." https://www.bbc.com/somali/articles/c5101vxlexno +business Nin baabuur iyo guri ka iibsaday xanaaneynta neylaha iyo waxaraha """Ari raacidda waxaan ka helay nolol wanaagsan, ari raacidda waan ka macaashay oo waxaan ka dhistay guri qiimahiisu lagu qiyaasay in ka badan 7000 kun oo doolar ilaa in ka badan 9000 kun oo doolar, sidoo kale waxaan ka iibsaday baabuur, waa dhaqaalaha aan ka helay ari raacidda"", ayuu yiri Ravi Hirasingh Rajput oo dadka xoolaha ugu raaco deegaan ku yaalla dalka Hindiya. Ravi Hirasingh Rajput wuxuu ariga u raacayay dadka 13 sano ee lasoo dhaafay, wuxuu ku noolyahay tuulada Pal ee dhacda degmada Aurangabad ee dalka Hindiya. Marka laga soo tego xoolo dhaqidda Ravi wuxuu beer yar ku leeyahay deegaankaas. Ravi wuxuu yiri, ""In aan ariga raacay waxaan bilaabay sanadkii 2011-kii, xilliggaas abaar ba'an ayaa ka jirtay deegaanka Marathwada, maadama uu dhul beereedkiinii uu ahaa mid aad u yar oo aan waxsoo saarkiisa wax ka baddali karin nolosha qoyskeena oo ka koobnaa 8, waxaan doordibaday in aan bilaabo in dadka aan u raaco ariga"". Wuxuu ku bilaabay markii hore inuu xanaaneeyo waxraha iyo neylaha, markaas wixii ka dambeeyay dadaal xooggan ayuu geliyay ari raacidda, waxaa sare u kacay tirada arigii uu raaci jiray. Laga bilaabo sanadkii 2011-kii ilaa 2015-kii, tirada arigii uu raaci jiray wuxuu gaarayay 25 neef. Sanadkii 2015-kii, Ravi wuxuu tababar ku saabsan xanaaneynta ariga iyo idaha kasoo qaatay xarun lagu magacaabo Padegaon. ""Tababarka aqoon fiican ayaan kasoo kororsaday oo ku saabsan xanaaneynta noocyada kala duwan ee xoolaha"". Waxa uu yiri, ""Waxaan jeclaan lahaa in aan raaco noocyada ariga kala duwan sida Sirohi, Sojat, Kota, Betel oo ah riyaha laga dhaqado halkan , Ka dib sanadkii 2018, Waxaan dibadda ka soo iibsannay riyaha African Boar. riyahan difaaca jirkoodu aad bu u xooggan yahay, heerka tarankooda wuu wanaagsan yahay. mar alaala marka ay xanuunsadaan riyaha si deg deg ah ayay miisaankooda usoo celiyaan, waa xoolo waxtar leh"". Hadda, Ravi waxa uu beertiisa ku xanaaneystaa 15 neef oo ah ariga la yiraahdo African Boar iyo 15 neef oo ariga caadiga ah. Dhakhliga kasoo gala ariga, Ravi wuxuu leeyahay, ""Haddii aan dhaqanno15 neef oo ari ah oo irmaan ah, tusaale ahaan halkii neef oo ari ah waxaan ka heli karnaa kumanaan lacag ah, wadar ahaan dakhliga aan sanadkii ka helo ariga wuxuu gaarayaa ilaa 783 doolar"". Ravi ayaa si weyn u isticmaala baraha bulshada si uu ugu iibiyo ariga. Taas awgeed, waxay Facebook iyo WhatsApp ka furteen guruubyo, Marka neef ari ah oo iib ah u soo baxo, waxay xogta ku saabsan ariga ay iibinayaan geliyaan guruubyadan. Dhammaan xoolo-dhaqatada ariga sidoo kale waxay ka barbar wadaan falashada beeraha, wuxuu sheegay in haddii muuqaalka neefka ay doonayaan inay iibsadaan laga la soo xiriirayo halkaas. Ravi wuxuu calafka ku beeray beertiisa oo ka kooban hal hektar iyo bar. Ravi wuxuu sheegay ""Waxaan beertewyda ku abuuray noocyada cawska xoolaha sida shivari, subabhul, fenugreek, napier, gopi krishna iyo dasharat-waa toddob nooc oo kamid ah cawska xoolaha ay daaqaan ee naqafada leh"". Wuxuu u sheegay in qofka uu dhakhli badan kasoo xareyn karo dhaqashada ariga waa haddii laga fakaro caafimaadka iyo cuntooyinka la siinayo ariga. Waxa uu yiri, ""Waxa ugu muhiimsan ee dhaqashada ariga waa qorshaynta calafka, habaynta xeryaha ariga, waa in laga fakaraa caafimaadka ariga, waa in la nadiifiyaa maalin kasta xerada"" ""Waa in sanadkiiba riyaha la siiyaa tallaalka, waa in saddex bilood gudahood ariga la siiyaa dawada disha gooryaanka, sidoo kale waa in la siiyaa macdanka muhiimka ah sida Calcium,Liver Tonic iyo macdanta kale""" https://www.bbc.com/somali/articles/c3gjy4718z7o +religion Ninkii fashiliyey aflagaaddadii loo geystay Rasuulkeenna (NNKH) oo lagu dhaggan yahay "Tobankii maalmood ee u dambeeyey waxaa xabsi iyo maxkamad u dhaxeeya wariyaha caanka ah ee shaaciyay aflagaaddadii ay afhayeenka xisbiga talada dalka Hindiya haya ee BJP, Nupur Sharma ay u geysatay Rasuulkeenna (NNKH). Tani iyo marki la xiray wariyahaasi waxaa la arkayey iyada oo booliska maxkamadda ay geynayaan kana soo celinayaan isaga oo lagu soo oogay dacwada hor leh. Waxaana loo qaaday xadka Hinidya uu la wadaago Nepal si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo. Booliska Delhi oo Maxammed Zubeyr xiray ayaa ku eedeeyay in 2018-kii uu bartiisa Twitter-ka “uu ku aflagaaddeeyey dadka aaminsan diinta Hinduuga.” Kaddibna waxay u soo jeeediyeen eedymo la xiriira shirqool dambiyeed, burburin caddeymo iyo inuu waddama shisheeye uu lacago ka helo. Ugu dambeyntina wariyahan 39 jirka ah booliska magaalada Delhi waxay ku sii daayeen dammaanad iyaga oo wax dambi ah ku waayey. Maxammed oo ah Injineer dhinaca taleefannada oo ka howlgala magaalada Koonfurta dalka Hindiya ku taalla ee Bangalore, 2017-kii wuxuu aasaasay bogga wararka ee ‘Alt News’. 3,000 oo qormo uu booggaasi soo dhigayna waxaa la akhristay in ka badan 60 malyan oo jeer. Dadka garanaya Maxammed waxay ku tilmaamaan inuu yahay ‘Nin go’aan adag oo dadaal badan'. Inta aan la xirin ka horna wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray farriimo uu ku cambaareynayo hogaamiyeyasha Hinduuga ee muslim naceybka caadeystay Maxammed Zubeyr wuxuu maxkamadda horteeda ka sheegay in loo haysto shaqada uu qabtay iyo inuu muslim yahay. Xarigga Zubeyr loo geystay waxaa cambaareeyey hoggamiyeyaasha mucaaradka, wariyeyaal iyo dad bulshda u dhaqdhaqaaqa. Hadal ka soo yeeray Nupur Sharma oo ahayd afhayeenka xisbiga talada Hindiya haya ee BJP waxaa ka dhashay cara xooggan oo gaaray iney waddama badan oo Muslim ah ay ka dhacaan mudaharadyo Hindiya looga soo horjeedo. Halka taageerayaasha Nupur Sharma ay baraha bulshada ka billaabeen baaq ay dowladda Hindiya u dirayaan in Zubeyr la soo xiro, kaddib markii ay Nupur ku eedeysay inuu ""nacayb ku hurinayo"" ayna sababtay in barta Twitter-ka loo soo dhigo farriimo xanbaarsan ""Hanjabaado kufsi iyo dil."" Maxammed waxay booliska u xireen oo hadda loo haystaa sawir uu afar sana ka hor ka fikir dhiibtay oo loo tarjumay inuu diinta Hinduuga uu aflagaaddeeyey. Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda iyo Qaramada Midoobayba waxay walaac ka muujiyeen xarigga wariyahan looga geystay ‘wax uu ku hadlay ama uu qoray’ dartii. Dadka taageera Mr Zubeyr waxay ku baaqayaan inuu xarig mudneen balse uu mudan yahay in lagu abaalmariyo howsha uu qaranka u qabtay, maadaamaa uu noqday wariye ku dayasho mudan oo u taagan ka hortagga naceybka bulshooyinka dhexdooda ka dhaca. Muddooyinkii u dambeeyey dalka Hindiya waxaa ku soo badanayey xarigga wariyeyaasha wax ka sheega ama ka qora dowladda uu hoggaanka u hayo xisbiga BJP ee Raysal wasaare Narendra Modi." https://www.bbc.com/somali/articles/c4n3y0x1pzpo +health Coronavirus: Dadka ka caafimaaday Covid-19 oo dhiiggooda la isticmaali doono "Dowladda Britain ayaa isku diyaarineysa in dhiigga dadka ka badbaaday coronavirus ay u isticmaasho la tacaalidda bukaannada isbitaallada jiifa ee xanuunka la ildaran. Qeybta Dhiigga iyo xubnaha kale ee jirka ee NHS ayaa ka codsaneysa dadka qaar ee ka soo kabtay Covid-19 inay dhiiggooda ku deeqaan si loo qiimeeyo daaweynta tijaabada ku jirta. Rajada waxa ay tahay in unugyada difaaca ee ay sameeyeen ay gacan ka geysan doonaan in laga nadiifiyo fayraska dadka kale. Mareykanka ayaa durbaba bilaabay mashruuc weyn oo arrintan lagu daraaseynayo oo ay ku jiraan in kabadan 1,500 oo isbitaal. Marka qofku uu hayo cudurka Covid-19, hannaanka difaacooda wuxuu ka falcelinaya abuurista unugyada ilaaliya jirka, kaas oo ka hortaga fayraska. Muddo ka dib waxaa dhismi kara unugyada waxaana laga heli karaa plasma, oo ah qeybta biyaha ah ee dhiigga. NHSBT waxay hadda u soo dhowaaneysaa bukaannada ka soo kabtay Covid-19, si ay u eegaan haddii dhiigga Plasma - dheecaanka aan midabka lahayn ee dhiigga ka mid ah - ee laga qaado dadka ka caafimaaday kaas oo la siin karo kuwa weli la xanuunsan coronavirus. Qoraal ka soo baxay hay'adda caafimaadka ayaa lagu yiri: ""Waxaan saadaalinaynaa in marka hore la tijaabin doono si dawo degdeg ah loogu heli fayraska Covid-19. ""Haddii si buuxda loo oggolaado, tijaabooyinka waxaa lagu eegi doonaa in haddii dheecaanka qofka caafimaaday lala xiriirin karo xawaaraha bukaan-socodka Covid-19 ee soo-kabashada iyo fursadaha badbaadada haysta"". ""Dhammaan tijaabooyinka caafimaad waa inay raacaan hannaan adag oo oggolaansho ah, si loo ilaaliyo bukaanka loona hubiyo in natiijooyinka adag la soo saaro. Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa dowladda iyo dhammaan qeybaha ay quseyso si aan ugu dhaqaaqno hannaanka ansixinta sida ugu dhaqsaha badan, uguna macquulsan."" Dhowr kooxood oo ku sugan UK ayaa raadinayey in ay isticmaalaan dhiiggan Cas. Isbitaalka Jaamacadda ee Wales (UHW) oo ku yaal Cardiff ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay in ay doonayo inay tijaabiyo tikniyoolajiyadda. Professor Sir Robert Lechler, madaxa Akadeemiyada cilmiga Caafimaadka iyo agaasimaha fulinta ee Iskaashiga Caafimaadka, kaas oo ay ku jiraan King College London iyo saddex isbitaal oo waaweyn oo London ku yaalla, ayaa sidoo kale rajeynaya in ay sameeyaan tijaabo kale oo yar. Wuxuu doonayaa inuu u isticmaalo dhiigga bukaanka aadka u xanuunsanaya ee aan lahayn ikhtiyaar kale oo aan ahayn daweyn, halka tijaabo qaran oo ballaaran ay socoto. Wuxuu yiri: ""Waan niyad jabi lahaa, haddii aanan arki lahayn bukaannada qaarkood oo qaadanaya qaabkan daaweynta toddobaadyo gudahood. Aynu rajeyno in tijaabada qaran ee NHSBT ay si dhaqso leh u dhaqan gasho."" Wuxuu yiri, ""Britain waxa ay si tartiib tartiib ah ugu dhaqaaqday in ay tijaabiso daawada. ""Waxaan u maleynayaa inay jiraan dhinacyo badan oo cudurka safmarkan ah oo aan dib u eegi doonno, aana dhihi karo, Waxaan la yaabanahay sababta aynaan dhaqso ugu dhaqaaqin. Waxaan u malaynayaa in ay tani ka mid noqon karto kuwaas"". Dunida oo dhan, tijaabooyin ayaa hadda la wadaa, si loo fiiriyo isticmaalka dhiigga Cas ee laga qaaday dadka ka caafimaaday fayraska. Muddo saddex toddobaad gudahood ah, saynisyahano ku sugan Mareykanka ayaa abaabulay mashruuc dalka oo dhan ah, waxaana illaa iyo hadda lagu daaweeyay ku dhawaad illaa 600 oo bukaanno ah. Prof Michael Joyner, oo ka socda Mayo Clinic, ayaa hogaaminaya shaqada. Wuxuu sheegay: ""Waxyaabaha aan ku barannay toddobaadkii ugu horreeyay ee maamulka ayaa ah, in aysan jirin calaamado nabadgelyo oo waaweyn oo soo ifbaxay iyo maareynta wax soo saarka oo aan u muuqan in ay keeneyso saameyn aan la filaneyn. Wuxuu sheegay in daaweynta ""adag tahay diyaarna tahay. ""Waxaa jira waxyaabo badan oo aynaan ka fahmin dhiiggan Cas. Waxaan baran doonnaa waxyaabo badan oo ku saabsan waxa ku jira dhiiggaas, waxyaabaha uu ka kooban yahay, heerarka ka hortagga jira, iyo xaqiiqooyin kale oo dhici kara inta lagu guda jiro toddobaadyada soo socdaan. ""Balse marmarka qaarkood, dhakhtar ahaan, kaliya waa inaad isku daydaa inaad tallaabo u qaaddo yoolka, marka aad gacanta ku dhigto."" Isticmaalka dhiigga bukaanka soo bogsaday ma ahan fikrad cusub oo ku saabsan dawo. Waxaa la isticmaalay in ka badan 100-sano kahor inta lagu guda jiray hargabkii ka dilaacay dalka Spain, iyo kuwii dhowaa ee Ebola iyo Sars. Illaa iyo hadda, daraasado kooban oo keliya ayaa eegay waxtarkiisa, waxaana jira baaritaan aad u fara badan oo u baahan in la sameeyo si loo arko inay tahay arrin muhiim ah ee looga hortagi doono coronavirus. Bruce Sachais, oo ah sarkaalka ugu sareeya caafimaadka ee Xarunta Dhiiga ee New York, ayaa yiri: ""Dadka wax cajiib ah ayey sameeyeen, waxayna imaanayaan ayagoo koox-koox ah. ""Waxaan heynaa boqollaal iyo boqolaal deeq bixiyeyaal ah, waxaana awoodnay inaan durba uruurinno wax kabadan 1,000 cutubyo"". Runtii waa qalbi-diirnaan in la arko in dadka uu ku dhacay cudurka, heerar kala duwan, welwelkooda ugu weyni uu yahay 'sidee baan hadda u caawin karnaa kuwa kale?"" Saynisyahanada ayaa sheegaya in dhiigga Cas uusasan noqon doonin rasaas sixir ah. Balse, halka xulashooyinkayga daaweynta coronavirus ay aad u kooban yihiin, in haddana rajadu tahay inay caawin karto illaa la helo tallaal." https://www.bbc.com/somali/war-52356997 +sports Qadar ma u suurtagaleysaa in ay iibsato Manchester United? "Taageerayaasha kooxda Manchester United iyo dad kale ee xiiseeya kubadda cagta waxay ka dhuur sugayaan cidda iibasan doonto kooxda xilli lagu sii siqayo wakhtiga kama dambeysta ah ee dadka daneynaya inay iibsadaan kooxdan ay ku gudbisan karaan dalabdkooda. Milkiilayaasha kooxda Man United, ee Glazer family waxay ku rajo weyn yihiin inay iska iibiyaan kooxda xilli ay isha ku hayaan inay qaadaan tallaabooyin kale oo dhanka istaraatiijiyadda ah. ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay hal ah kaliya ah oo daneynayo in uu iibsado kooxda waana ganacsadaha ugu taajirsan Britain, Sir Jim Ratcliffe. Arrintan oo maalmo laisla dhexmarayay ayaa waxaa lagu wadaa in Qadar ay gudbiso dalab ku saabsan kooxda. Waxaa sidoo kale la filayaa in ugu yaraan labo dalab ay ka helaan Mareykanka waxaana jiray dalabyo xiiso leh oo ka yimid dhinaca Sacuudi Carabiya. Waxay ka macno tahay inay jiri karaan ilaa shan dhinac oo isku dayaya in ay ka wada xaajoodaan sidii ay ku iibsan lahaayeen kooxda, iyada oo kuwa kale ay raadinayaan sidii ay maalgashi yar ugu sameysan lahaayeen kooxda Old Trafford. Sida ay ku sheegeen ku dhawaaqistooda iibka suurtagalka ah ee November, Glazer Family waxay wali ka fiirsanayaan ""dhammaan beddelka istaraatiijiga ah"" ee kooxda, , oo ay ku jiraan koox cusub oo maalgashi sameyn kara ama macaamiil kale oo ku lug leh shirkadda. Ninka sida weyn u taageera Man United ee Ratcliffe, oo ka mid ah ragga ugu qanisan Britain, ayaa la sheegay in uu daneynayo iibsashada kooxda, waxaana la fahamsan yahay inuu usii mari rabo adeegyada bangiyada waaweyn ee JP Morgan iyo Goldman Sachs si ay u caawiyaan. Dalabyada Qadar iyo Saudi Arabia ayaa ah kuwo adag sababtoo ah waxay kala leeyihiin kooxaha Paris St-Germain iyo Newcastle. Dalabka ugu dambeeya ee lagu iibinayo kooxda ayaa la qorsheeyay in uu ku ekaado bisha March, sida ay qorsheysay kooxda fadhigeedu yahay Mareykanka ee Raine Group- taasoo u xilsaaran raadinta ciddii iibsan laheyd kooxda. Madaxweynaha kooxda ka dhisan Faransiiska ee Paris St-Germain, Naasir Al Khalafi ayaa ayaa lagu wadaa inuu fure u noqdo dalab kasta oo ka imaanaya Qadar, xitaa haddii uusan si toos ah ugu lug yeelan karin iibsashada kooxda. Kooxda maalgelinta Isboortiga ee Qatar (QSI), oo uu madax ka yahay Al-Khelafi, ayaa eegaysay suurtagalnimada in saami yar lagu la wareego koox Manchester United, taas oo laga oggolaan doono sida uu dhigayo sharciga Uefa ee ka hortagaya lahaanshaha kooxo badan. QSI waxay horey saami ugu lahayd kooxda ka dhisan Bortuqiiska ee Braga. Si kastaba ha ahaatee, marka la eego lahaanshaha QSI ee PSG, oo aysan wax dan ah ka lahayn inay iibiso, tallaabo kasta oo ka imaaneysa Qatar oo ay ku iibsanayso Man United gabi ahaanba waa inay soo martaa shaqsiyaad gaar ah ama ururro kale. Tani waxay suurtagal u noqon kartaa Hay'adda Maalgashiga Qatar - waa madal maalgashi oo caalami ah oo ay ku jiraan dukaanka Harrods ee London iyo dhismaha ugu weyn UK ​​ee Shard. Xitaa taasi waxay u baahan kartaa hay'adda maamusha Yurub ee Uefa inay wax ka bedesho xeerarkeeda ku saabsan lahaanshaha kooxaha badan, iyadoo dad badan ay dareemayaan in dhammaan lacagaha Qatar ay ka imaadaan xarumo dhexe. Al-Khelafi, oo 49 jir ah waa shakhsi caan ah oo si weyn uga dhex muuqda siyaasadda ciyaaraha, Al-Khelafi waxa uu qabtay xilka guddoomiyaha ururka naadiyada Yurub, waxaana uu xiriir dhow la sameeyay madaxweynaha Uefa Aleksander Ceferin. Waa ninka loo arko in uu kaalin weyn ka ciyaaro karo dalab kasta oo ay Qatar ku iibsaneyso kooxda Man United, Manchester United iyo PSG isku tartan kuma jiraan xilli ciyaareedkan, sidaa darteed wax ka bedel kasta oo lagu sameeyo shuruucda Uefa si loogu ogolaado dalabka Qadar ee ibsashada Man United uma baahna in la dhaqangeliyo arrintani ilaa dhamaadka July. Kadibna waa in ay ansixiyaan guddiga fulinta ee Uefa. Maalgelinta Qadar ee koox ka dhisan Premier League- iyo lahaanshaha labo koox oo waaweyn oo ka dhisan Yurub -arrintani waa sida weyn walaaca looga muujiyay." https://www.bbc.com/somali/articles/c2x660d1llxo +health """Gabadheyda waxaad siisay dawo cayilka lagu yareeyo, wayna ku dhimatay""" "Nin ay gabdhiisa ku geeriyootay dawo ay cayilka ku dhimeysay ayaa u safray si uu fool ka fool uga hortago ninkii daawadaas ka iibiyay inantiisa, kaasoo waddan kale ku sugnaa. Gabadha 21 jirka ahayd ee uu dhalay Doug Shipsey oo lagu magacaabi jiray Bethany ayaa si xad dhaaf ah u cintay dawadaas loo yaqaanno DNP, sanadkii 2017-kii. DNP waa maadooyin la isu geeyay oo qarnigii 20-aad loogu isticmaali jiray howlaha wax soo saarka warshadaha. Hase yeeshee, sanadkii 1933-kii, cilmi baare Mareykan ah ayaa shaaca ka qaaday in marka ay bani'aadanka isticmaalaan DNP ay si aad u saameyn badan u xoojiso unugyada hoos u dhiga miisanaka jirkooda, ka dibna waxaa suuqyada loo soo galiyay si ay dadka cayilka ka bato isugu caateeyaan. Waddamada caalamka qaarkood, sida Ingiriiska ayey sharci darro ka tahay in dawadaas la warshadeeyo, la iibiyo ama la isticmaalo, waxaana lagu sheegay in ay sun badan ku jirto. Wariyaha BBC-da, Adina Campbell ayaa ku wehlineysay safarka uu aabaha gabadha dhimatay dhalay ku tagay dalka Ukrane, halkaasoo aysan mamnuuc ka ahayn in la warshadeeyo ama la iibiyo dawada DNP. Wuxuu donayay inuu la kulmo ninka uu aaminsan yahay in uu sabab u yahay dhimashada gabadhiisa, uu jeclaa. ""Aad baan u walwalsanahay, laakiin waxaan rabaa inaan wajaho ninkaas, safarkan dheerna sababtaas awgeed ayaan usoo galay, ina keen"", sidaas waxaa yiri Mr Shipsey, ka dib markii ay isaga iyo gabadha wariyaha ah ka dageen gaarigii ugu dambeeyay. Wuxuu BBC-da u sheegay inuu niyad jab weyn dareemayay. ""Ma aanan helin waqti aan gabadheyda ugu baroor diiqo, waxaana doonayaa, oo aan halkan u imid inaan isku dayo sidii aah caddaalad ugu heli lahaa iyada iyo in aan ka hor tago waxaan inay ku dhacaan dadka kale ee da'da yar, taasina waxay na siineysaa aniga, xaaskega iyo qoyskeygaba sabra"", ayuu yiri Doug Shipsey. Isagoo ka hadlaya hamiga uu ka qabo in wax loo qaban doono ayuu yiri: ""Kaliya waxaan rajo qabaa in marka ay sawirkeeda ka eegaan indhaheeda ay ilmeyn doonaan, waxaana rajo ka qabaa in taas ay dareen galin doonto, dabcan waalidiinteeda ma aha laakiin waxaa wax tari karta inay indhaheeda eegaan oo ay garwaaqsadaan inay nala sii joogi lahayd haddii aysan arrintaas dhici lahayn, ka dibna ay gacan ka geystaan in waxan oo kale aysan mar dambe soo laabanin"". Kadib markii uu aabaha weerarka gaadmada ah ku qaaday halkaas, nin ayaa la xiray balse goor dambe waxaa la sii daayay isagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Sababtoo ah dalka Ukraine waa laga oggolyahay warshadeynta iyo iibinta dawada DNP. Markii ugu horreysay wuxuu tagay saldhigga booliska ee maxalliga ah, waxayna saraakiishu u sheegeen inay kiiskaas dib u eegi doonaan. Markaas ka dibna wuxuu booqday gurigii laga soo diray dawada ay gabadhiisa ka dalbatay dhinaca Internet-ka. Halkaas ayuuna ku wajahay ninka uu aaminsan yahay inuu dawadaas soo diray, gabadhiisana heshiiska kula galay. Markii uu hortiisa tagay ayuu sawirkeeda tusay, wuxuuna isagoo looga turjumayo ku yiri: Waxaad ka iibisay dawadii DNP-da ee dishay, waxaan daawanayay iyadoo dhimaneysa muddo 4 saacadood ah, isbitaalka gudihiisa"". Ninkii ayaa ku jawaabay: ""Runtii aad baan uga xumahay, way fiicnaan lahayd inaan ka hor tagi karo arrintaas ama aan awood u leeyahay inaysan dhicin"". Wuxuu qirtay inuu dawada ka iibiyay gabdha, laakiin wuxuu meesha ka saaray in ujeeddadiisu ay ahayd inuu qof u adeegsado sidii uu naftiisa ugu dili lahaa, wuxuuna ku adkeystay in uusan sabab u ahayn geerida Bethany. Doug Shipsey ayaa sheegay inuusan fileynin wixii uu kala kulmay ninkan, wuxuuna sheegay inuu ku qancay qaabka uu raalli galinta u siiyay." https://www.bbc.com/somali/war-49621227 +politics Trump oo ay ka kala tageen qareennadii difaacayay "Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in Trump ay ka kala tageen garyaqaannadii ka difaacayay eedeymaha aqalka sare ee dalkaasi uu u haysto Trump. Garyaqaannadaasi waxaa ka mid ah Butch Bowers iyo Deborah Barberi oo labaduba ka soo jeeda gobolka South Carolina, waxaana la sheegayaa in si iskood ah u go'aansadeen in asyan Trump difaacin. Xildhibaannada aqalka sare ee Mareykanka ayaa 8-da bisha Febraayo ee sanadkan waxa uu cod u qaadi doonaa dacwadda ka dhanka ah Trump. Xildhibaannada ayaa u codeyn doono in Trump lagu soo oogo iyo in kale dacwad ah in uu huriyey fowdadii 6-dii bishan ay taageerayaashiisa ku qabsadeen dhismaha Aqalka Congress-ka, halkaasi oo shan qof ay ku dhinteen. Garyaqaannada kala ah Greg Harris iyo Johnny Gasser, oo labaduba ka tirsanaan jiray xafiiska xeer-ilaalinta heer federaal isla markaana ka soo jeeda gobolka South Carolina ayaa iyaguna isaga baxay kooxda garyaqaannada ahi ee Trump difaacaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Garyaqaannadani ayaa sida la sheegaya diiday in Trump ay ka difaacaan eedeymaha uu wajahayo, sababtuna waxaa lagu sheegay hadalkii Trump ee ahaa in doorashada looga shubtay. Josh Howard oo isna ah garyaqaan dhawaan uun ku soo biiray kooxdani garyaqaananda ahi ee Trump difaacayay ayaa lagu soo warramayaa in isna uu shaqadaasi isaga tagay. Ilaa iyo haatan ma cadda cidda Trump ka difaaci doonto dacwadda uga soo wajahan xildhibaannada aqalka sare ee dalkaasi. Jason Miller oo ah lataliyaha Trump oo ka jawaabaya wararka ah in Trump ay ka kala tageen garyaqaannadii difaacayay ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku leeyahay ""Shaqo weyn ayaan qabannay balse wali go'aan kama dambeys ah kama aanan gaarin kooxdayada dhanka sharciga, go'aankaasi oo mar dhow la shaacin doono."" Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay taariikhda Mareykanka oo muddo laba jeer ah dacwad xil ka qaadis ah lagu soo oogo. Sanadkii 2019 ayaa waxaa badbaadiyay aqalka sare kaddib markii aqalka wakiillada ay meel mariyeen cod loo qaadayay xil ka xayuubintiisa. Haatanse waxaa loo haysta in uu soo abaabulay weerar lagu qabsaday dhismaha aqalka Congress-ka kaddib markii caddeyn la'aan uu sheegay in doorashada looga shubtay. Balse waxay u dhowdahay in mar kale uu ka badbaado dacwaddaasi haatan loo haysto. 45 ka mid ah 50 xildhibaan ee xisbiga Jamhuurigu uu ku leeyahay aqalka sare ee dalkaasi ayaa usbuucan u codeeyay in la joojiyo dacwadda ka dhanka ahi Trump, maadaama bey yirahdeen Trump uu haatan xilka ka degay. Si dacwad loogu soo oogo Trump, waa in 17 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jambuurigu ay la saftaan 50 xildhibaan ee xidbiga Dimuquraadiga ee doonaya in Trump dacwad lagu soo oogo, arrintaa oo haddii ay dhacdo Trump ka hor istaageyso mustaqbalka in uu mar kale xil u qabto shacabka dalkaasi." https://www.bbc.com/somali/war-55876716 +politics Koofur Afrika: Maamule shaqada looga tiray arrin la yaab leh "Maamule iskuul oo u dhashay Koofur Afrika ayaa shaqada laga joojiyay kaddib markii lagu eedeeyay in wiil 11 jir ah uu ku qasbay in godka suuliga oo saxaro ay ka buuxdo uu ka raadiyo telefoon isaga ka lumay. Waxaa la sheegay in ardayga uu xarig ku xiray kaddibna uu ku qasbya in godka suuliga uu ka soo saaro teelfoonka, isaga oo u ballan qaaday inuu siinayo 200 rand ($14; £10). Ayeeyada wiilka ayaa sheegtay in wiilkeeda uu haatan ka baqayo inuu iskuulka aado isaga oo ka baqaya inay ardayda ku maadeystaan. Waaxda waxbarashada gudaha ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay ceeb. Suuliyada godka leh ayaa caan ka ah Koofur Afrika, iyada oo sanadkii hore lagu qiyaasay in iskuullada qaar ay weli isticmaalaan, iyadoo ay jirto inay khatar yihiin. Sarkaal sare oo waaxda waxbarashada gobolka Eastern Cape ka tirsan, laguna magacaabo Fundile Gade, ayaa sheegay in dhacdadaasi ay tahay mid laga yaxyaxo isla markaana uu booqan doono guriga wiilka si uu raalligelin u siiyo. Maamulihii iskuulka Luthuthu Junior Secondary School ayaa haatan waxaa baaritaan ku wada waaxda Eastern Cape. Waxaa la sheegay in sidoo kale uu carruurta kale ku dhiirrigeliyay inay ka caawiyaan soo saaridda telefoonka lumay, kaa soo loo maleynayo in si kama' ah uu bilowgii bishan uga dhacay suuliga shaqaalaha iskuulka. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in arrintan la ogaaday kaddib markii hay'ad u ololeysa aadidda iskuulka ay ka war heshay arrintan. Petros Majola, oo ka tirsan Mashruuca Horumarinta Qowmiyadda Khula, ayaa soo wadaagay muuqaal dhacdadaas laga soo duubay kaas oo aad la iskula wadaagya baraha bulshada, isaga oo sheegay in raaidnta telefoonka ay qaadatay muddo hal saac ah. Kaddib markii ay ardayda kale suuliga baaldi kaga soo saareen qeyb wasakhda ka mid ah, wuxuu Mr Majola sheegay in wiilka xarig lagu xiray oo lagu qasbya inuu gudaha godka galo. ""Wuxuu adeegsaday gacmihiisa si uu teleofonka u raadiyo, iyada oo saxarada ay jilibka u joogtay."" Sida laga soo xigtay News24, telefoonka lama helin, maamulaha ayaana ardayga dadaalkiisa ku siiyay 50 lacagta dalkaas ah." https://www.bbc.com/somali/war-56423337 +technology iPhone 12: Waxa yar ee telefoonnadii casriga ahaa kasii dhigay casri "Telefoonka noocisu yahay Apple iPhone 12 ayaa noqday kii ugu horreeyay ee loo adeegsado chip (qalab yar) oo awoodda tiknoolojiyaddiisu ay aad u sarreyso, horayna aan caalamka looga isticmaalin wali. Qalabkan ayaa dadka telefoonkaas heysta u sahlaya inay sameeyaan waxyaabo ay ka mid tahay inay wax ka baddalaan muuqaallada tayadoodu tahay 4K. Sidoo kale waxa uu tayo aad u sarreysa u yeelayaa sawirrada lagu qaado iPhone-ka cusub ee dhawaan shaaca laga qaaday iyo sidoo kale in lagu ciyaari karo games si nadiif ah loo arkayo muuqaalladooda. Marka uu dabka batariga dhaco xitaa sawirrada, muuqaallada iyo ciyaaraha telefoonkan waxay noqon doonaan kuwo aysan tayadooda isbaddalin. Qalabkan oo magaciisa loo soo gaabiyo 5nm ayaa ah mid aad khafiif u ah oo la eg 25 atom oo kaliya - balaayiin kale oo isaga lamid ah ayaana telefoonka sii gali kara. Haddii si toos ah loo sharraxo waxqabadkiisa, wuxuu ka dhigan yahay in telefoonka loo helay maskax awood dheeraad ah leh. Haddii aan dib u jalleecno afar sano oo lasoo dhaafay ka hor, xilli ay shirkado aad u badan soo saarayeen telefoonnada casriga ah, waxaa shaki weyn laga qabay in qalabkan chip-ka ah guushiisa la gaadhi karo waqti dhow. Waxaa dhaqaale badan ku bixisay shirkadda Netherlands laga leeyahay ee ASML, oo xoogga saareysay sidii ay ku farsameyn lahayd. Mahsiinnada lagu sameeyay qalabkaas aadka u yar mid walba kharashiisu wuxuu dhan yahay $123m (£92m). Qiimahaas aad buu uga sarreeyaa kharashka ay ku fadhiyaan qalabyada ay shirkadaha kale u isticmaalaan sameynta telefoonnada casriga ah. Laakiin hadda waxaa u suurtagashay shirkaddan inay noqoto tan kaliya ee awooddaas yeelatay, islamarkaana uu qalabkaas layaabka leh kaligeed ku kooban yahay. ""Wax sidaasoo kale u yar ayaa haddana fure u ah tiknoolojiyad aad u ballaadhan,"" ayuu yidhi Dr Ian Cutress, oo ka mid ah khubarada ka shaqeysa shirkadda. Kaliya labo shirkadood oo ka mid ah kuwa iibiya qalabka laga sameeyo chip-ka ayaa hadda soo suuq geeyay aaladdaas. Labadan shirkadoodba waxay leeyihiin qalabka ASML oo lagu wado in tiknoolojiyadda 5nm lagu rakibo sanadka 2021-ka." https://www.bbc.com/somali/war-54574800 +politics Aqalka Cad: Xafladdii ka dhacday 'Covid bay si wayn u faafisay', ayuu yiri Dr Fauci "Khabiirka ugu sarreeya Mareykanka ee dhinaca fayraska, Dr Anthony Fauci, ayaa Aqalka Cad waxa uuku eedeeyay qabashada xafladdii bishii la soo dhaafay taas oo lala xiriiriyay xaaladaha fayraska korona ee halkaas ka dilaacay. Dr Fauci, oo xubin ka ah guddiga la tacaalaya fayraska korona ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in xafladdii uu Madaxweyne Donald Trump uu ku soo bandhigayay haweeneyda uu u magacaabay Maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay aheyd ""mid si weyn cudurkaasi u faafisay"". Ugu yaraan 11 qof oo ka qeybgashay xafladaas la qabtay 26-kii Sibteembar ayaa waxaa laga helay cudurka. Mr Trump ayaa laf ahaantiisa ka soo kabsanaya xanuunka Covid-19. Dhakhaatiirtiisa ayaa hadda waxa ay u ogolaadeen inuu qabto xaflado dadweynaha ay ka soo qeybgali karaan, xilli bil wax ka yar ay ka harsan tahay waqtiga uu doorashada guud ee madaxtinimada waddankaas uu kaga hortagayo musharraxa Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden. Mr Trump ayaa waxa uu niyad wanaag ka muujiyay tallaabooyinka sida xirashada mask-ga iyo xayiraadaha la soo rogo si loo xakameeyo faafitaanka Covid-19, kaas oo waddanka Mareykanka ku dilay in ka badan 213,000 oo qof. Waxa uu ka hadlay suuragalnimada in tallaal dhawaan la helo, walow cilmi-baarayaashu ay sheegeen in waqtiga ugu horreeya ee la heli karo tallaalka ay tahay sanadka soo socda. Ra'yi uruurin la sameeyay ayaa muujinaysa Mr Biden uu waxyar ka horreeyo Mr Trump, iyadoo ABC News/Ipsos ra'yi uruurin ay sameeyeen ay ku ogaadeen in dadka Mareykanku ay 35% la dhacsan yihiin sida Trump uu wax uga qabtay dhibaatada. Warbaahinta CBS News ayaa Jimcihii waxa ay Dr Fauci waydiisay waxa uu ka oranayo sida Aqalka Cad uusan u adeecayn xirashada mask-ga iyo kala fogaanshaha si fayraska loogaga taxadaro, taa badalkeedana ay ku tiirsanaadaan baaritaan joogta ah. ""Xogta iyadaanba la qarin karayn - oo waxaa Aqalka Cad lagu qabtay xaflad aad u faafisay fayraska, waxayna aheyd meel ay dad badan isugu yimaadeen oo misana aanay soo xiran mask-ga afka lagu daboosho."" ayuu yiri Fauci. Xafladda ka dhacday Aqalka Cad 26-kii Sibteembar, oo uu Madaxweyne Trump ku soo bandhigayay Amy Coney Barrett oo uu u magacaabay Maxkamadda ugu saraysa dalka, ayaa waxaa loo malaynayaa inay sabab u aheyd in dad badan oo halkaas ku sugnaa ay cudurka qaadaan. Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melania, oo ka mid ahaa dadkii xafladdaas ka qeybgalay ayaa markii dambe laga helay cudurka, iyo sidoo kale laba senator, Xoghaya Warfaafinta ee Aqalka Cad iyo kansolarkii hore ee Trump Kellyanne Conway. Dr Fauci ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in khubaradu ay lixdii bilood ee la soo dhaafay ay ku talinayeen in dadku ay mask-ga xirtaan, waxa uuna cambaareeyay hadalka ah in fayraska korona ""dawo"" uu leeyahay - kalmaddaas oo uu Mr Trump isticmaalay mar uu ka hadlayay daweyntii hordhaca ahaa ee Covid-19 loo siiyay mudadii uu ku jiray isbitaalka milateriga. Isu-soo-baxyada waa weyn ayaa weli waxaa laga mamnuucay caasimadda Mareykanka Covid-19 awadii, hasayeeshee waxaan ku jirin dhismayaasha federaalka sida Aqalka Cad. Mr Trump - oo Isniintii laga soo saaray Isbitaalka saddex cisho kaddib - ayaa mar lagu waydiiyay wareysi uu fiidkii Jimcaha siiyay Fox News calaamadaha uu dareemay tan iyo markii uu cudurka ku dhacay. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu tabar-darri dareemay, hasayeeshee wax dhibaato ah uusan ku qabin dhinaca neefsiga. Mar la waydiiyay haddii Jimcaha laga baaro fayraska korona, ayuu madaxweynuhu sheegay ""inuu aad u yaraanayo ama uuba ka xoroobayo"", walow uusan dhihin natiijooyinka baaritaankayga waa la iga waayay. Doodda labaad ee madaxtinimada ee lagu waday in la qabto todobaadkan ee u dhaxayn doonta Mr Trump iyo ninka Xisbiga Dimuqraadiga ka socda ee kula loolamaya Aqalka Cad Joe Biden ayaa haatan rasmiga la kansalay. Golaha Doodaha Madaxtinimada ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen Jimcihii in labada olole ay ku dhawaaqeen ""qorshe kale oo maalintaas leeyihiin"". Mr Trump ayaa shaki muujiyay codsi uga yimid golaha kaas oo ahaa in doodda 15-ka bisha Oktoobar lagu qabto qaab muuqaal ah si loo yareeyo halista faafitaanka fayraska korona. Golaha ayaa sheegay in weli ay wadaan qabanqaabada doodda saddexaad iyo midda ugu dambaysa ee madaxtinimada ee lagu qaban doono Nashville, Tennessee ee 22-ka bishan Oktoobar. Ololaha Mr Trump ayaa sheegay in golaha uu ""u xaglinayay"" dhinaca Mr Biden, halka kooxda Dimuqraadiyiinta ay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu doodda dhabqinayay." https://www.bbc.com/somali/war-54490185 +business Shirkadaha diyaaradaha Nigeria oo ka noqday go'aan shaqo joojin ahaa "Shirkadaha diyaaradaha ee Nigeria ayaa sheegay in ay ka noqdeen qorshe ay markii hore ku damacsanaayeen in ay ku joojiyaan duulimaadyada gudaha Isniintan arintaas oo ay kaga cabanaysay qiimaha shidaalka oo aad u kacay. Qiimaha shidaalka ayaa sannadkan afar laab kordhay , taasina waa wax aanaan ku sii shaqayn karin ayaa lagu yidhi war saxaafadeed ka soo baxay ururka ay ku bahoobeen shirkadaha diyaarada Nigeria Kordhkaa qiimaha waxyaabaha u sababta ah waxa u weyn dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine dabayaaqadii February. Nigeria: ' Waxaan dilnay hogaamiyayaal Boko Xaraam' Laakiin shirkaduhu waxay sheegeen in haatan duulimaadyadii guduhu socon doonaan inta ay socdaan wadahadallada ay xukuumadda la leedahay. Arintan ayaa timid cadaaadis kaga yimid xagga xukuumadda ah iyo ururada ilaalinta xuquuqda macaamiisha kaas oo ku qasbay in ay ka noqoto go'aankeedii hore ee u qorshaysnaa ee ay sheegtay Jimcihii. Go'aankan ayaa aad u farxad geliyey kumanaan qof oo tigidhadu u go'naayeen, laakiin ilaa hadda macadda in shirkadhaas iyo xukuumadda Nigeria ay xal waara ku gaadhi doonaan wadaxaajoodkaa u socda. Ururka AON ee ay ku midaysan yihiin sagaal shirkadood ayaa waxyaabaha ay ka cabanayaan waxa ka mid ah in aanay wax kab ah ka helin xukuumadda afartii bilood ee u dambeeyey. Waxa jirtay in duulimaadyo badan la baajinayey mararka qaarkoodna dib u dhac weyni dhacay tan yo bishii Maarij, arintaana waxa ugu weyn ee loo dacal saarayey waxay ahayd shidaalka oo yaraaday. Qiimaha tidhigda ayaa sidoo kale saddex laabmay todobaadadii u dambeeyey. Rakaabka Nayjeeriya ayaa qiimaha lagu raaco ku bixiyaa naira, lacagta maxaliga ah ee qiimaheedu hoos u dhacay. Si kastaba ha ahaatee, alaab-qeybiyeyaasha shidaalka waxay u baahan yihiin in lagu bixiyo doolarka Maraykanka. Gobolka Kaduna ee Nigeria oo Shiicada mamnuucay In kasta oo ay Nigeria tahay dalka ugu badan ee soo saara saliidda, haddana Nayjeeriya waxa ay soo dejisaa ku dhawaad dhammaan shidaalkeeda diyaaradda. Duulimaadyada ayaa inta badan ah dookhyada safarka ee maalmahan kuwa awoodi kara sababtoo ah amni darada ka jirta wadooyinka dalka. Waa kuma hogaamiyaha ""Xisbullaha Nigeria""? Kooxaha afduubka geystay ayaa ka howlgala waddooyinka waaweyn, iyagoo beegsada gaadiidka, kadibna ay afduubtaan dadka rakaabka ah ee ay madaxfurasho ka qaataan." https://www.bbc.com/somali/61375112 +health Dhibaatada Faquuqa: Naafada iyo dhakhatiirt is faham la'aanta u dhexeysa "Dadka aalaaba waxay dareemaan qalqal marka ay booqdaan isbitaalka. Dadka qaar waxay ka baqaan in aan la rumeysan calaamadaha xanuun ee ay dareemayaan. Balse ka warran haddii aad tahay dhakhtar, oo dhakhaatiirta aad isla shaqeysaan aysan rumeysan naafonimadaada iyo dhibaatooyinka dhanka maskaxda ee ku heysta? Miranda Schreiber ayaa ka warrameysa arrintan. Markii aan 15 jir ahaa, waxaan dhakhtarkeyga u sheegay arrin markii dambe noqotay calaamadaha neerfaha ee sababa xanuun dhanka maskaxda ah. Waxaan u sheegay in aan ka shaqeyn karin layliga iskuulka, sidoo kale aanan dareemi karin qabowga, amaba aanan fahmi karin haddii aan akhriyo buug. Wuxuu igula taliyay in aan socod sameeyo haddii uu walbahaar i heysto. Dhibaatadan dhanka is faham la'aanta ah, ama bukaanka iyo dhakhtarka in ay aragtiyo kala duwan qabaan, waxaa inta badan la kulma dadka naafada ah. Dad badan ayaa dareema in naafonimada iyo caafimaadku aysan is waafaqeyn. Balse arrintan waxay sidoo kale heysataa dhakhaatiirta naafada ah, qaarkood ayaana hadda raadinaya xalka. Sarah Islam, waxay ku jirtay sannadkii afaraad oo ay caafimaad ka baraneysay Jaamacadda Indiana, markii uu ku dhacay xanuun u horseeday daal, xanuun daran iyo dhibaato dhanka fahamka ah. Waxay sheegtay in calaamadaha ay qabtay, oo aan muujineyn xanuun gaar ah, ay sababeen in ay dareento inay ku adkaato fahamka luqadda caafimaadka ee ay baraneysay. ""Waxaan xusuustaa, xitaa markii aan ahaa arday barta caafimaadka, in sharaxaadda erayada ku saabsan wixii i heystay ay ila ahayd sida derbi dhagax ah,"" ayay tiri. ""Runtii ma garaneyn sidii aan u qeexi lahaa."" Khibraddeedii xanuunka, Islam waxay ka aamin baxday in xanuun jira la daweyn karo, iyadoo iskala nooleyd calaamado aan muujineyn xanuun gaar ah. Waxay sidoo kale isbeddel ka dareentay saaxiibbadeed, markii ay ku laabatay iskuulka caafimaad, muddo kaddib markii ay soo caafimaaday. ""Haddii aan soo hadal qaado erayga 'xanuun' [saaxiibbadey] waxay u fasiranayeen 'caajisley baan ahay' iyo 'ma qaban karo shaqadeyda'."" ""Waxay dood ka keeni jireen xaqiiqda i heysata,"" ayay tiri, taas oo ku kalliftay in ay qariso calaamadaheeda. ""Waxaan dareemay sida in wax walba oo aan dadka la wadaago loo adeegsanayo in aniga la igu weeraro."" ""Waxay dhihi jireen 'labo maalmood kahor waad soconeysay marka maxaad maanta u socon la'dahay?' Waa sida in ay igu qabteen been."" ""Ma jiro fahamka ah waxa ay naafonimad la micno tahay."" Takoorka noocan ah waxaa mar walba lagu qeexaa ableism - taas oo ka dhigan in dadka aan naafada ahayn laga door bido kuwa naafada ah. Dadka naafada ah ayaa 20% ka ah bulshada ku nool UK iyo Mareykanka, balse keliya 2% ayay ka yihiin dhakhaatiirta Britain iyo Mareykanka. Islam ayaa sheegtay in waxyaabo fudud, sida inaad xusuus qor ku isticmaasho bukaannada hortooda, amaba aad wiishka raacdo, intii aad jaranjarada raaci lahayd, ay dadka la taliyeyaasha ah u arkaan wax aan habbooneyn. ""Waxaan gebi ahaanba suurtogal ahayn in aan bukaannada ka fisho in ay na xushmeeyaan iyadoo aan annagiiba rumeysaneyn waxa ay inoo sheegayaan."" Hardeep Lotay, oo sannadkii shanaad caafimaadka ka barta Jaamacadda Cambridge, isla markaana u dooda caafimaadka maskaxda, ayaa u garaabay Islam. ""Waxaa jirto fakrad caafimaad oo ah in aad ballaariso fahamkaaga sababtoo ah, taasi waa dabeecadda xirfadda,"" ayuu yiri Lotay, oo sidoo kale baaritaan ku sameeya takoorka dhanka caafimaadka. ""Sanad iyo xoogaa ayaan fasax ka qaatay jaamacadda. Iskuulka caafimaadka wax walba oo kala duwanaansho ah waxaa loo arkaa daciifnimo. ""Daciifnimo walbana waxaa loo arkaa in aadan u wanaagsaneyn sida asxaabtaada oo kale. Qof walba oo ogaada in aad fasax qaadatay ayaa ku takooraya."" Dhaqamada ay Lotay iyo Islam la kulmeen waxaa sidoo kale lagu soo qaatay baaritaan ay sameeyeen Drs. Havi Carel iyo Ian Kidd, oo ah bareyaal cilmiga falsafadda ka dhiga Jaamacadda Bristol. Waxay ogaadeen in khubarrada caafimaadka ay aalaaba bukaannada naafada ah u arkaan kuwo aan waxba qaban karin, la isku halleyn karin, maskax ahaanna aan degganeyn, taas oo u horseedeysa dhaqatiirta in ay ""dhayalsadaan"" waxa ay sheegayaan bukaannada naafada ah. Takoorkan wuxuu saameyn ku yeelan karaa go'aannada daaweynta, wuxuuna wax u dhimi karaa caafimaadka bukaannada, iyadoo qarka u saareysa in ay la soo dersaan xaalado kale. Hay'adda Canada Care Connection, oo bukaannada ka caawisa in ay helaan dhaqaatiir qoys, ayaa ogaatay in bukaannada qaba xanuunnada ragaadka ah ay waqti dheer ku qaadato in ay dhakhaatiir helaan, iyo in dhakhaatiirta qoyska qaarkood ay diidaan in ay arkaan bukaannada, sababo la xiriira naafonimada. ""Maba aqbalayaan,"" ayuu yiri mid ka mid ah ururkaas. Joanna, oo u dhaqdhaqaaqda dadka naafada ah kana soo jeedda New Jersey, waxay qabtaa xanuunka unugyada ku dhaca oo loo yaqaanno mastocytosis. Xanuunka ayaa saameyn ku yeesha hannaanka difaaca jirka. Joanna ma aysan helin daryeel caafimaad illaa ay ka soo gaartay 25 sano. Sababta waxay tahay in dhakhaatiirta ay rumeysteen in ay ka badbaadeyso xaaladdaas. ""Waxaan jeclaan lahaa in ardayda caafimaadka la bari lahaa in ay u dhug yeeshaan warbixinnada ay siiyaan bukaannada naafada ah,"" ayay tiri. ""Waa caadi in ardayda caafimaadka amaba dhakhtarka uu qirto in aysan heyn jawaabta. Taas ayaa aad uga fiican in la faquuqo bukaanka."" Sidoo kale waxaa jira dadka u dhaqdhaqaaqa naafada oo qudhooda naafo ah. Ardayda caafimaadka iyo dhaqaatiir ayaa soo jeedinaya in is faham la'aanta la yareyn karo haddii ay jiri lahaayeen dhakhaatiir badan oo naafo ah. ""Aniga oo ah qof u dhaqdhaqaaqa dadka naafada ah, kuna faana in aan naafo ahay, waxaa jira erayo aanan ku dhihi karin dhakhaatiirta,"" ayuu yiri Charis Hill, oo ka soo jeeda Sacramento, California. Waxay moodaan in naafonimadu ay xun tahay. ""Marka aan la joogo dhakhtar naafo ah, uma baahni in aan sharraxaad badan bixiyo, sababtoo ah hal luqad ayaan ku hadleynaa,"" ayuu yiri. ""Natiijada daryeelkayga aad ayay u fiicnaaneysaa sababtoo ah aad ayaa la ii fahmayaa."" Lotay iyo Islam waxay labadooduba khibraddooda u adeegsadeen fahamka sida ay dadka ula dhaqmaan. ""Haddii uu bukaan kuu yimaado kuuna sheego in gebi ahaanba uusan wax dareemeyn, waa in aad kula hadashaa luqadda caafimaadka maskaxda,"" ayuu yiri Lotay. Jaamacadda Michigan ee dalka Mareykanka ayaa isku dayeysa in ay wax ka qabato hannaanka qaadashada ardayda caafimadka. Ardayda soo codsata jaaacadda ee naafada ah ayaan hadda kaddib looga baahneyn in ay soo bandhigaan awooddooda wax qabad, sida in ay qaadi karaan bukaan iyo in kale." https://www.bbc.com/somali/war-56798910 +sports Guul intee la eg ayaa laga gaaray sanadkii dib u soo laabashada ee Ghana? "Qorshe looga gol-lahaa in lagu dhiirigaliyo bulshada qurba-joogta Afrika inay ku booqdaan waddanka Ghana ayuu madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo ku tilmaamay inuu ahaa ""guul wayn"". Sanadka dib u soo laabashada, 2019, ayaa waxaa lagu xiriiriyay 400 sano guuradii ka soo wareegatay markii dadkii la adoonsan jiray ay ka dageen waddanka Mareykanka - kaas oo la sheegay inuu ahaa markii ugu horraysay ee la diiwaangaliyay adoontii Afrikaanka aheyd ee Ameerika la gayn jiray. Ghana ayaa waxa ay aheyd goob muhiim ah oo lagu kala wareejiyo adoonta la dhoofinayo iyadoo madaxweynuhuna uu sheegay in dalkiisa uu dareemayo mas'uuliyad ah inuu soo dhaweeyo dhammaan dadka Afrika asal ahaan ka soo jeeda. Marka ma qiimayn karnaa inta ay la eg tahay guusha ay arrintaas Ghana ka gaartay? Bilowgii 2019, Hay'adda Dalxiiska ee Ghana ayaa waxa ay saadaalisay in sanadka dib u soo laabashada ay dalka soo booqan doonaan 500,000 oo qof oo dheeraad ah. Xogta rasmiga ah ee la qabtay inta u dhaxaysay Janaayo ilaa Sibteembar 2019 ayaa waxa ay muujinaysaa 237,000 oo qof oo dheeraad ah inay dalkaasi booqdeen - taas oo ah sare u kac 45% markii la barbardhigo tirada dalkaas booqatay isla mudadaas oo kale sanadkii kaas ka horreeyay - iyadoo tiradaas aadka kor ugu kacday ay intooda badan ka yimaadeen dalalka Mareykanka iyo UK. Sikastaba xaalku ha ahaadee, ma garanayno in ay taasi ku timid qorshaha sanadka dib u soo laabashada, maadaama dalxiisayaasha aanan la waydiin inay sheegaan sababta ay dalkaas u booqanayaan. Sare u kaca dadka 2019-kii booqanayay waddanka Ghana ayaa waxaa la saadaalin karaa in sanadkiiba ay gaari doonto ilaa 900,000 ilaa hal milyan oo qof oo ajaanib ah, tiradaas oo guud ahaan sare u socotay sanadihii la soo dhaafay walow ay hoos tiradaasi u dhacday sanadkii 2018. Markii la daabaco xogta 2019 oo dhammeystiran, ayey inoo suurayboosaa inaannu ogaanno heerka sare u kaca dalxiisayaasha ee sanadkaas markii loo barbardhigo sanadihii ka horreeyay. Wasiirka Dalxiiska Barbara Oteng Gyasi ayaa sheegtay in sanadka dib u soo laabashada uu dhaqaalaha ku kordhiyay ku dhawaad $1.9bn. Halka Hay'adda Dalxiiska ee Ghana ay BBCda u sheegtay in tiradan ay tahay qiyaas ah celceliska dhaqaalaha uu qofwalba isticmaalay oo dhan $2,590 oo lagu dhuftay tirada dadka dalka soo booqday 763,545 intii u dhaxaysay Janaayo iyo Sibteembar. Hasayeeshee wadarta guud ee dadka soo booqday Ghana ayaa waxaa ku jira dad daafaha dunida ka kala tagay oo aanay qasab ahayn in booqashadoodu ay ku lug leedahay sanadka dib u soo laabashada. Bright Simons, waa cilmi-baare ka tirsan hay'adda Imani Centre for Policy & Education, ayaa waxa uu dhaleeceeyay qiyaasta dowladda ee ku aaddan tirada dalkaas booqatay. Waxa uuna sheegay in celcelis ahaan dhaqaalaha uu dalxiisaha isticmaalay ay ka yar tahay $2,590. Dowladda Ghana ayaa BBCda u sheegtay in 126 qof la siiyay dhalasho sanadkii 2019. Halka qaar ka mid ah dadka qurbaha ka tagay oo sanadkan dib u laabashada uu dhiirigaliyay ay ganacsiyo ka furtaan dalka, maalgashi sameysteen amaba ay hanti dalka ka iibsadeen. Dowladda ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in sanadka dib u soo laabashada uu indhaha ku soo jeediyay Ghana si wanaagsanna ay warbaahinta caalamku u tabiyeen. Dalka Ghana ayaa 2019 waxa uu soo jiitay dad caan ah, oo ay ka mid yihiin inanta dharka xayeysiisa Naomi Campbell, jilaa Idris Elba, majaajilayste Steve Harvey iyo heesaaga reer Mareykan Cardi B. Dowladduna waxa ay sheegtay in haddii ay dhaqaale ku bixin lahayd warbaahinta iyo xayeysiin ay ugu kici laheyd $3.5m. Mr Simons ayaa BBC-da u sheegay: ""Xayeysiinta iyo soo jiidashada dadka marka la fiiriyo waxa ay aheyd mid wanaagsan. ""Marka taas la fiiriyo, waan ku raacsanahay in guul ay aheyd arrinta ay sameeyeen.""" https://www.bbc.com/somali/war-51341812 +politics Trump iyo Korona: Yuu la kulmay, Yaase laga helay "Madaxweyne Donald Trump in laga helo cudurka safmarka ee Covid-19 ayaa ku soo aadaysa kadib todobaad mashquul badan oo uu ku jiray olole doorasho kahor 3 November, intii ololaha socdayna waxaa uu la kulmay xilligaas saraakiil badan oo heer sare ah. Maalinkii Jimcaha ayuu bartiisa twitter-ka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump soo dhigay in isaga iyo Marwada Koobaad Melania Trump laga helay fayraska korona Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii mid ka mid ah lataliyaashiisa aadka ugu dhaw, waa Hope Hicks ee, laga helay cudurka Covid-19. Hope Hicks, waa 31-jir latalisa madaxweynaha, waana qofkii ugu dhawaa ee ka mid ahaa lataliyayaasha soke ee Mr Trump ee illaa hadda cudurka laga helo. Waxa ay madaxweynaha kula safartay diyaaradda Air Force One markii uu ka qeybgalayay dooddii taleefishiinka ee horraantii toddobaadkan lagu qabtay Ohio. Tan iyo markii Madaxweynaha laga helay cudurka, dhowr qof oo uu kamid yahay Maareeyahiisa ololaha doorashada ayaa iyaguna laga helay. Sabti, 26-ka September Sabtidii ayay ahayd markii Madaxweynaha uu ku dhawaaqay Amy Coney Barrett, uu u soo xulay inay noqoto Garsooraha Maxkammadda sare, xafladdaas oo ka dhacday aqalka cad ayna kasoo qayb galeen dad gaaraya 200 oo qof . Fiidnimadii Sabtidaasi, Madaxweyne Trump wuxuu isku soo bax ku qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga Harrisburg ee Middletown, Pennsylvania. Tan iyo xafladdaas, Amy Coney Barrett waxay kulamo la yeelatay madax kaladuwan - oo uu kujiro hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka senetka Mitch McConnell - kahor dhageysiga guddiga senetka si ay u xaqiijiyaan xilka loo magacaabay oo aad loo sugayo, taas oo dhici doonta 12 Oktoobar. Coney Barrett ayaa jimcihii sheegtay inay iska baartay cudurka oo laga waayey. Ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in laga helay fayraska horraantii sanadkan. Ka sokow Mr Trump iyo xaaskiisa, ugu yaraan shan qof oo kale oo ka qeyb galay xafladdii Rose Garden ayaa sheegay in laga helay cudurka - in kastoo aan la ogeyn halka iyo cidda qaadsiisay xanuunkan. Dadkaasi waxay kala yihiin lataliyihii hore ee aqalka cad Kellyanne Conway, Senatarka laga soo doorto gobolka Utah Mike lee iyo Senator Thom Tillis oo matala gobolka North Carolina, labadooduba waxay qayb ka yihin guddiga garsoorka ee aqalka senateka. Waxaa kale oo cudurkan laga helay hogaamiyaha Jaamacadda Notre Dame, John Jenkins. Axadii, 27 September Madaxweynuhu wuxuu ku sugnaa gobolka Virginia oo uu ku ciyaarayeu ciyaarta golf ka hor inta uusan dib ugu soo laaban aqalka cad oo uu isla maalinkaas galabkii kula kulmay qoysaska halyeeyada milatariga. Isniin, 28 September Isniintii, Madaxweyne Trump wuxuu aqalka cad ku qabtay shir jaraa'id oo kooban - isaga oo ka warbixiyay istiraatiijiyadda baaritaanka coronavirus ee maamulkiisa . Waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, xoghayaha caafimaadka Alex Azar, xoghayaha waxbarashada Betsy DeVos, iyo madaxa fulinta ee Abbott Laboratories, Robert Ford, iyo kuwo kale. Aqalka Cad wuxuu si joogto ah cudurka uga baara saraakiisha iyo martida madaxweynaha la kulanto. Si kastaba ahatee, warbaahinta Mareykanka ayaa xustay in Maaskarada ama marada afka lagu xirto iyo kala fogaanshaha Madaxweynaha agtiisa ay aad u yar tahay, waxaan arrinkan laga dheehan karaa in dadku ay aad ugu tiirsan yihiin nidaamka baaritaanka, taas oo aan caqli-gal ahayn. Talaado, 29 September Madaxweynuhu wuxuu dood fool ka fool ah kala qeybgalay ninka ay aadka isugu hayaan doorashada ee Joe biden ee Cleveland ee gobolka ohio. Madaxweyne Trump wuxuu halkaas u raacay diyaaradiisii madaxweynenimo, Air Force One, oo ay weheliyaan xaaskiisa, caruurtiisa iyo kaaliyayaal badan. Qaar badan ayaa la arkaayey iyagoo aan waji-xirka xirneyn markii ay fuulayeen diyaarada ama ay ka degayeen sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka. Waxaa kaloo diyaaradda saarnaa: Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad Mark Meadows; ninka u xilsaarnaa ololaha istaraatiijiyadda Jason Miller; lataliyaha siyaasada Stephen Miller; Robert C O'Brien, lataliyaha amniga qaranka ee laga helay viruska bishii July; iyo Xildhibaan aqalka kongreeska ka tirsan Jim Jim. Madaxa ololaha Madaxweynaha Bill stepien, ayaa waxaa ay siku gaari raacen kaaliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Hope Hicks, iyadoo jimcihii la xaqiijiyay in Mr Stepien laga helay cudurka. Arbaco, 30 September Madaxweynuhu wuxuu u duulay gobolka Minnesota halkaas oo uu kaga qayb galay xaflad dhaqaale loogu uruurinayo ololihiisa doorasho, dadka Madaxweynaha safarkaas ku weheliyay waxaa kamid ahayd Hope Hicks oo ah kaliyaha Madaxweynaha. Markaas kadib Madaxweynaha wuxuu olole ballaaran ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Duluth. Khamiis, 1-da Oktoobar Madaxweynuhu wuxuu u duulay gobolka New Jersey halkaas oo uu sidoo kale kaga qaybgalay xaflad lacag loogu uruurinayo ololahiisa dib loogu soo dooranayo. Malinkaas Madaxweynuhu sarakiil badan oo ay ka mid yihiin lataleyashiisa ma aysan raacin. Isla Maalinkaas ayay ahayd ,markii Hope Hicks oo ah latileyashiisa laga helay cudurka Korona, galabkaas ayuu Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in isaga iyo Marwada koowad laga baarayo cudurka Korona. Jimco, 02-da Oktoobar Madaxweynaha Donald Trump waxaa uu xaiijiyay in isaga iyo Marwada Koobaad Melania Trump laga helay fayraska korona sidaa awgeedna ay iskarantiileen. Madaxweynaha waa 74-jir sidaasi daraaddeedna waxa uu ka mid yahay dadka halista wayn uu ku keeni karo cudurkan, isaga oo warka ah inuu xanuunku haleelay uu ku shaaciyay bartiisa Twitterka. ""Si wadajir ah ayeynu kaga soo wadakabsan doonnaa,"" ayuu soo qoray." https://www.bbc.com/somali/war-54406307 +politics Dagaalamayaal loo maleynayo Al Shabaab oo weeraray deegaan katirsan Gaarisa Warbaahinta maxaliga ee dalka Kenya ayaa kusoo warrantay in dagaalamayaal loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al Shabaab ay weerareen deegaanka Kamuthe ee katirsan ismaamulka Gaarisa. Wargeyska the Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in taliyaha booliska ee gobolka Waqooyi Bari uu u xaqiijiyay weerarka, wuxuuna intaa raaciyay in ujeedka uu ahaa in ay burburiyaan anteenada isgaarsiinta. Tuuladan oo qiyaastii 40 kilomitir u jirta magaalada Gaarisa ayaa wararku waxay sheegayaan in kooxihii halkaas soo weeraray ay batilmaameedsadeen macallimiin wax ka dhigayay deegaankaas, saldhig boolis, anteenada isgaarsiinta iyo dhakhaatiir halkaas ku sugnaa. Wargeyska waxaa kale oo uu sheegay in saddex macallin lagu dilay weerarka. Weerarkan ayaa la sheegay in uu dhacay xalay saqdii dhexe, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaas. Wuxuu imanayaa maalmo un kadib markii deegaanka Dadaab lagu dilay arday wax ka dhiganayay halkaas. https://www.bbc.com/somali/51087452 +business Wuxuu ku maalgeliyay malaayiin doollar, isaga ayaana cuntada kariya "Wiil 13 jir ah oo ku sugan gobolka Alabama ee dalka Maraykanka ayaa soo naaxay waxyar uun ka dib markii ay waalidkii sixiixeen waraaqo ay ku caddaynayaan in ay si mutadawacnimo ah u bixiyeen xubnaha jirkiisa si looga faa'iideeyo bukaanno kale. Trenton McKinley ayuu dhaawac culus ka soo gaaray maskaxda ka dib markii uu dhulka ku dhuftay madaxa. Dhakhaatiirta ayaa waalidkii u sheegay in uusan ka kacaynin dhaawaca soo gaaray oo uu u dhiman doono, waxayna intaas ku dareen in xubnaha jirkiisa ay is waafaqeen shan carruur ah oo xannuunsan oo sugaya in xubno loogu deeqo. Maalin ka hor markii la qorsheeyay in laga saaro qalabkii uu ku neefsanayay ayuu billaabay in uu dareen muujiyo. Wiilkan yar ayaa aad uga dhaawacmay madaxa. Trenton McKinley hooyadii ayaa sheegtay in wixii intaas ka dambeeyay uu wiilkeedu galay qalliino kala duwan markaas ka dibna ay kalyihii hawlgabeen wadno xannuunna uu soo wajahay. Reindl ayaa sheegtay in wiilku uu mayd ahaan u saarnaa miiska 15 daqiiyo, dhakhatiirtuna ay ku wargaliyeen ""in uusan waligii caadi ku soo noqon doonin"". Reindl ayaa CBS News u sheegtay in ay markaas ogolaatay in ay sixiido in ay si mutadawacnimo ah u bixiso xubnaha jirka wiilkeeda laguna wareejiyo shan carruur ah. ""Waxaan sidoo kale ogolaanay in Trenton lagu sii rakibo qalabka uu ku neefsanayo si uu u sii neefsado xubnaha jirkiisana loo bixiyo"" Intaas ka dibna Reindl ayaa ka sheekaysay sidii uu wiilkeedu u soo naaxay ama u soo miyirsaday bishii Maarso. Waxay tiri maalinta xigta ayuu lahaa baaritaankii maxkaxeed ee ugu dambeeyay marka xubnaha jirkiisa ee muhiimka ah ayaa dhaqdhaqaaqay sidaas darteed ayayna u baajiyeen baaritaankii. Trenton ayaa hadda tartiib tartiib u soo kabanaya. ""Madaxa ayaan shub ku dhuftay gaariga alaabta lagu jiido ayaana korka igaga dhacay, intaas wixii ka dambeeyayna waxba kama xasuusto,"" ayuu yiri. Wali neerfaha ayaa xanuuna wuuna wareeraa wuxuuna u baahan doonaa qalliin kale. ""Wuu socon karaa, wuuna hadli karaa, waxbuu akhrinkaraa oo xitaa xisaab ayuu ka shaqayn karaa"", ayay tiri Reindl waxayna arrintaas ku tilmaantay mucjiso. Trenton laftirkiisa ayaa WALA u sheegay in uu isu haystay in uu janada joogo intii uu miyir daboolnaa. ""Sidii ruux meel bannaan ah ku lugaynaya ayaan ahaa"" ayuu yiri wiilkan 13 jirka ah ""Sharaxaad kale uma baahna ee arrib Illaahay ayay ahayd."" Qoyska wiilka ayaa lacag ku aruurinaya Facebook si ay ugaga bixiyaan kharashaadka caafimaadka ee uu u baahan yahay. Waa xilli aroor ah shaqaalaha meheraddan oo ku taal koonfurta magaalada Gaalkacayo ee maamul-goboleedka Galmudug, ayaana diyaarinaya quraac. Balse waxa ay mehraddan kuwa kale uga duwan tahay ayaa ah in milkiilaha uu ka mid yahay dadka cuntada kariya. Axmed Maxamed Jaamac oo ah mulkiilaha goobtan ganacsi ayaa wuxuu dhinaca kaga jiraa shaqada cunto karinta, isaga oo shiilaya beerkii lagu quraacan lahaa. Axmed waa 52 sano jir ka soo laabtay qurbaha, laakiin xirfaddiisa cunto karintu xilligan ma bilaaban oo waxay ku sidkanayada geeddi socodka noloshiisa. Sanadkii 1999 ayuu galay kuleej lagu barto cilmiga cunna karinta oo ku yaal magaalada Birmingham ee dalka UK. Isla xilligaas ayuu billaabay isaga oo waxbarashada wada in uu xirfaddan ku shaqaysto markii uu dhammeeyayna waxa uu bilaabay in uu furo goobo cunnada lagu iibiyo. ""Markaan dhammeeyay kuleejka ayaan ganacsi ka bilaabay London oo aan ka furay meelo cuntada lagu iibiyo, sababtaan u sameeyayna waxay ahayd in aan tuso dadka Soomaaliyeed sida wax loola qaybsado ummadaha kale,'' ayuu yiri Axmed. Axmed wuxuu sheegay in xilligaas uu meheradda furayay ay dadka Soomaalida ah wax ka cuni jireen maqaayadaha dadka kale oo sidooda dalka qaxooti ku ah sida Aasiyaanka, Hindida iyo xitaa Afrikaanka kale.''Waxaan lacagta u geyn jirey dadka kale laakiin markii aan London ka furaty goobo cunnada lagu kariyo waxaan soo jiidannay dad badan oo cunnada dhaqanka Soomaalida jeclaystay kaddibna dad badan oo Soomaali ah ayaa meherado furay,'' ayuu yiri.Muddo kadib sanadkii 2008 ayuu dalka dib ugu soo laabtay isaga oo yimi caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo uu ka bilaabay halgan kale. Shanta cunto ee mustaqbalka Dhaqaatiirta gaajaysa oo raashiinka gargaarka safaf u galaya Moosil oo biyo iyo cunto la gaarsiiyay ''Xamar markaan imid waxaan sii watay in aan horumariyo xirafaddaydii aniga oo meherad ka furay guriga hooyooyinka, iyada oo xilligaa Muqdisho ay ahayd meel khatar ah ayaan magaalada ka degey dhawr goobood,'' ayuu yiri. Balse Axmed maqaayaddiisa kama aysan badbaadin amni darrada ka jirtay Muqdisho. Waxaana dhowr jeer lala beegsaday qarax ay dad ku dhinteen. Kii ugu darnaa wuxuu ka dhacay bishii September sanadkii 2013. Sida ay booliisku xilligaas BBC-da u sheegeenna waxaa ku dhintay 15 qof oo isugu jiray dad maqaayadda ka qadeynayay iyo shaqaalaha maqaayadda. Alshabaab ayaana sheegatay qaraxaas. Dhowr jeer oo kale oo ay qaraxyo ka dhaceen dibadda maqaayadda, Axmed wuu sii ballaariyay ganacsigiisa isagoo sanadkii 2017 magaalada Gaalkacyo ka hirgeliyay goob ganacsi oo magaalada ka yara baxasan, wuxuuna ku bixiyay lacag dhan labo milyan oo doollar. Sidoo kale wuxuu Axmed magaalada ka bilaabay howlo samafal ah. ''Halkan waxaan ka qoday ceel ilaa boqol kun oo doollar iiga baxday, kaddibna waxaan beeray dhir oo iyadana boqol kun kor u dhaafaysa inta ku baxday, sidoo kale waxaan dhisay ilaa soddon qol oo hoteel hurdo ah'' ayuu yiri mulkiiluhu.Axmed Jamac Maxamed haddii uu hirgeliyey goobtaas gacansi ee intaasi gashay ma fariisan meel, laakiin subaxdan wax uu ku lebisan yahay funaanad gacmo gaab ah oo ay shaqaaluhu xirtaan marka ay shaqada ku jiraan, isaguna hawshaas ayuu dhankiisa hayaa, oo marna wuxuu ku jiraa jikada kolna wuxuu waraabinaya dhir goobta ku taal. ""Hiigsigaygu waxaa weeye lacagta meeshan aan geliyey in ay shaqayso midda kale shaqadan waa shaqadaan soo bartay, sidaa u jeeddaan kushiinka anigaa ku jira, dhirta anigaa waraabinaya, waxaa laga yaabaa in aan anigu shaqaalaha nadaafadda uga horreeyo,' ayuu yiri. Inta uu howsha cunno karinta la wado shaqaalaha kula jira kushiinka waxa uu sheegay in ay dhacdo marar isaga shaqo loo diro oo uu aqblo. taas oo uu kutilmaamay in ay dhiirigelin u tahay shaqaalaha. Laakiin Axmed wuxuu mararka qaar dadka macaamisha ah ee ku xiran meheradda iyo xitaa saaxiibaddiisa qaar kala kulmaa kuwo hawshan la dhacsan iyo sidoo kale kuwo Axmed u soo jeediyey in uu shaqadda jikada ka dhex baxo oo uu iska nasto balse taas kama yeelin. ''Waxaa laygu yiri xilligaan waxaa la joogaa markii aad tayga xiran lahayd ee fariiso oo shaqaalaha shaqada u dhaaf laakiin shaqadu waxay u baahantahay waa muhiimadda,'' ayuu yiri. Axmed wuxuu sheegay in dadka xoolaha leh oo jikada iyo xitaa shaqada ka faana ay tahay isla weyni isaga oo sheegay in uu ku raaxaysto marka uu jikada ku jiro ee uu cunnada karinayo. ''Waa caafimaad qab wax dhib ah ima hayaan shaqadana waan ku raaxaystaa.'' Ayuu Axmed yiri. Axmed wuxuu sidoo kale ku raaxeystaa inuu quudinyo xayawaannada jooga mehraddiisa Village oo ay ka mid tahay goroyada. Wuxuu Axmed rajeynayaa inuu sii ballaariyo ganacsigiisa, isagoo dadka kalena ugu baaqay inay sidiisa oo kale dalka maalgashadaan." https://www.bbc.com/somali/war-44036226 +entertainment Qoyska jilaaga caanka ah ee Shah Rukh Khan oo la shaaciyay arrin ay ku farxeen "Hay'adda la dagaalanka maandooriyaha ee dalka Hindiya ayaa wax dambi ah ku waysay wiil uu dhalay jilaaga wayn ee Bollywoodka ee Shah Rukh Khan. Aryan Khan, oo 24 jir ah, ayaa la xiray bishii October 2021 isagoo lagu eedeeyay in uu sitay daroogo xilli uu xaflad ku sugnaa. Aryan waxaa xiray Xafiiska Xakamaynta Maandooriyaha ee (NCB) iyadoo loo cuskaday sharciyada la xiriira haysashada, isticmaalka iyo iibinta daroogooyinka sharci darrada ah. Jimcihii, ayay hay'adu ku waysay dhammaan eedeymihii loo haystay , iyaga oo yiri""wax daroogo ah lagama helin gacanta Aryan Khan."" Jimcihii, wakaaladda waxay soo bandhigtay warqadda dacwadda oo ay ku qoran yihiin magacyada 14 eedaysane. Magacyada lix qof oo uu ku jiro Aryan, laguma darin liiska ""iyadoo la sheegay in ana al hayn caddayn ku filan"". Aryan Khan, oo ah 23 jir ah oo ah wiilka uu dhalay xiddigga Bollywood-ka Shah Rukh Khan, ayaa la xiray 2 bishii October, 2021 kadib markii lagu eedeeyay in uu sitay daroogo xilli uu ku sugnaa goob xaflad ah. Aryan Khan ayaa markii uu xabsiga ku jiray laba toddobaad lagu siidaayay damaanad islamarkana tan iyo xilligaasi waxaa socday dacwadiisa. Khan ayaa laga soo dejiyay markab dalxiis oo ka yimid Mumbai oo ah magaalada ay qoyskiisu ku nool yihiin - waxaa uuna xilligaas ku sii jeeday goobta loo dalxiis tego ee lagu magacaabo Goa. Xafiiska Xakamaynta Maandooriyaha (NCB), oo xiray isaga iyo dhowr qof oo kale , ayaa sheegay in lagu xiray arimo ""la xiriira , isticmaalka iyo iibinta waxyaabo sharci darrada ah"". Falanqeeyayaasha ayaa xilligaasi sheegay, iyada oo ku saleysan waraaqaha qabashada Khan, in arrinta eedda daroogada ay u badan tahay in cadeymaha loo hayo ay tahay aad u yar oo aysan jirin sabab lagu sii hayo xabsiga. Qareenkiisa Satish Manshinde ayaa si adag u beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay intii ay maxkamadu socotay. 2-dii bishii October, ee sanadkii 2021 qaar ka mid ah telefishinnada ayaa tebinayay dhibaatada qoyska Khan. Waxaa la sawiray oo la duubay isaga oo ay booliisku wadaan gudaha iyo bannaanka dhismayaasha. Waxaa sidoo kale xilligaasi sawirada wiilka Mr. Khan aad loogu baahiyay baraha buslahad halka ay dad badan iskula wadaageen WhatsApp. Xiritaanka Khan ayaa mid ka mid ah wariyaasha waxaa uu ku tilmaamay inuu ahaa ""bur -bur weyn oo ka dhacay xaflad rave"", halka mid kale uu dalbaday in la joojiyo ""xiriirka ka dhexeeya Bollywood iyo daroogada"". Xrigga wiilka u dhalay xiddiga xiddigga a Bollywood-ka Shah Rukh Khan ayaa ahaa midka ugu sareeya wararka dalkaasi Hindiya." https://www.bbc.com/somali/war-61609291 +health Dr Abdul Qadeer Khan: Ninkii ugu halista badnaa adduunka "11-kii bishii December sanadkii 2003, koox ka socotay sirdoonka Mareykanka, CIA-da iyo kuwa Britain MI6 ayaa doonayay inay raacaan diyaarad aanan wax astaan ah laheyn oo ku wajahneyd Libya xilliggaas oo saraakiishan loo dhiibay darsan nus ahaa oo ay ku jiraan bashqado. Kooxda waxay qarka u saarnaayeen inay soo afjaraan howlgal qarsoodi ahaa oo ku saabsanaa wadahadallo lala yeelanayay saraakiisha Libya, markii ay fureen bashqadaha xilliggii ay diyaaradda raaceen waxay ogaadeen in la siiyay caddeymihii kama dambeysta ahaa ay u baahnaayeen: waxaana gudaha bashqadaha lagu arkay naqshadda hubka nukliyeerka. Naqshaddaas- waxaa ka muuqday waxyaabo qeexayo barnaamijka nukliyeerka- oo uu soo dhiibayay ninka maanta geeriyooday Dr Abdul Qadeer Khan. Khan wuxuu kamid ahaa dadkii ay ku daba jireen laamaha amniga adduunka nus qarnigii ugu dambeeyay, sheekadiisa waxay u udub dhexaad u aheyd teknooloojiyadda ugu halista badan adduunka oo ay ku loolamayaan dalalka heysta iyo kuwa aanan heysan. Agaasimihii hore ee CIA-da Mareykanka George Tenet ayaa Khan ku tilmaamay in 'uu yahay nin halis ah oo ugu yaraan lamid ah Osama Bin Laden' Sirdoonada reer galbeedka waxay Abdul Qadeer Khan ku timaameen in uu ahaa ninkii ugu halista badnaa adduunka balse dalkiisa hooyo ee Pakistan waxaa looga yaqaanaa halyeey, waxyaabaha ku gadamaan arrintani kama turjumeyso oo kaliya ah dhibaatada ninkan balse waa mid qeexeysa sida dunida ay u aragto hubka nukliyeerka. Abdul Qadeer Khan uma uusan imaanin Yurub in uu noqdo sirdoon dhanka nukliyeerka balse wuu kamid noqon lahaa, wuxuu ka shaqeynayay dalka Netherlands sanadihii 1970s xilli dalkiisa Pakistan uu bilaabay tallaabooyin uu ku cusbooneysiinayo hubka xilli looga adkaaday dagaalkii 1971 iyaga oo cabsi ka qabay horumarada Hindiya ay gaareysay hubka nukliyeerka. Khan wuxuu la shaqeynayay shirkad laga leeyahay Yurub oo ku howlaneyd horumarinta Uranium-ka, Uranium-ka waxaa loo adeegsadaa quwadda nukliyeerka ama sameynta hubka. Khan wuxuu fikrad ka qaatay qaabka iyo naqshadda lagu horumariyay maaddada Uranium-ka, wuxuu dib ugu soo laabtay dalkiisa, wuxuu sameeyay shabakad qarsoodi ah oo ay ku jiraan ganacsato reer Yurub ah kuwaas u keeni kara qalabka iyo maaddooyinka uu baahan yahay ee muhiimka ah. Waxaa inta badan loogu yeeri jiray. ""Aabihii nukliyeerka"" Pakistan, wuxuu kamid ahaa dadkii u udub dhexaadka u ahaa nukliyeerka Pakistan, waxaa lagu tilmaamay 'halyeey qaran' oo Pakistan ka badbaadiyay halistii uga imaaneysay dhinaca Hindiya. Wuxuu ku guuleystay in shabakaddii qarsoodiga aheyd inay ku howlanaato dhoofinta iyo soo dhoofinta agabyadii, waxay heshiis la gashay waddamo dhowr ah kuwaas oo intooda badan ay reer galbeedka ku tilmaameen 'dalal aanan damiir laheyn' Xarunta nukliyeerka Iran ee Natanz, halkaas oo sanadihii lasoo dhaafay uu caalamka isha ku hayay, ayaa waxaa la raacay markii la sameynayay naqshadda iyadoo la adeegsaday agab uu u keenay Abdul Qadeer Khan. xitaa waxaa jirtay mar koox mataleysay Khan ay la kulmeen saraakiil Iraaniyiin ah oo usoo bandhigay inay ka iibsadaan agab iyo naqshad ku saabsan sameynta nukliyeerka. Khan wuxuu dhowr safarro ku tegay Kuuriyada Waqooyi halkaas la rumeysan yahay in uu ku biiriyay talo ku saabsan teknooloojiyadda nukliyeerka gaar ahaan gantaallada. Markii uu galayay heshiisyadan, arrimaha aanan warka laga heynin waxaa kamid ah in kaligii uu ahaa ama uu fulinayay amaradda dowladda gaar ahaan marka la fiiriyo heshiiska uu la galay Kuuriyada Waqooyi, dhammaan astaamaha waxay sheegayaan in dowladda aysan ka war heynin basle ay si dhaw ugu lug laheyd. Mararka qaar waxaa la sheegay in Khan uu ahaa qof dhaqaale doon ah, nin sahlan ma aheyn, wuxuu si dhaw ula shaqeynayay hoggaanka dalkiisa, wuxuu doonayay in uu meesha ka saaro arrinta ku aadan waddamadii reer galbeedka inay xirteen howlaha hubka nukliyeerka. Wuxuu is weydiyay su'aasha ah, maxaa dalalka qaar loogu ogolaanayaa hubkan si amnigeedu ay u xoojiyaan halka dalalka kalena loogu diiday? wuxuu u arkay munaafiqadda reer galbeedka, wuxuu dhihi jiray, ""aniga qof waalan ma ihi, aniga ima jeclo ,waxay i jeedinayaan eedeymo aan sal iyo raad toona laheyn sababta oo ah waxaan carqalad ku noqday qorshahooda"" Aabbihii nukliyeerka Pakistan oo geeriyooday Muxuu yahay gantaalka uu haysta Shiinaha ee ka cabsiiyey Maraykanka? Haweeneydii joojisay dagaal nukliyeer ah in uu dhexmaro Ruushka iyo Mareykanka Sirdoonada Britain iyo Mareykanka ayaa bilaabay inay dabagalaan Khan, waxay dusha kala socon jireen safarradiisa, waxay la socon jireen wicitaanadiisa, waxay dabbin u dhigeen shabakaddiisa qarsoodiga aheyd xitaa waxay malaayiin doolar u ballan qaadeen kooxdiisa si ay u helaan xubno u noqdo wakiilo isla markaana sirta usoo gudbiya. ""Waxaan ku suganahay gurigiisa gaar ahaan qolkiisa"" ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha CIA-da, kadib weerarkii 11-kii September 2001 lagu qaaday Mareykanka waxaa jirtay cabsi ah in kooxaha argagixisada ah in uu gacanta u galo hub khasaare badan dhalin kara, marka dowladda Pakistan waxay ka dhaadhiciyeen in tallaabo ay ka qaadaan Khan. Bishii March sanadkii 2003, Mareykanka iyo UK waxay Ciraaq ugu duuleen arrinta ku saabsan inay leedahay hub halis ah oo khasaare badan dhalin kara kaas oo markii dambe la ogaaday in aanay heysan. Khan waxaa la geliyay xabsi guri xitaa waxaa lagu khasbay in uu jeediyo khudbad uu ku qiranayo waxa uu sameeyay, Pakistan waxaa looga aqoonsan yahay halyeeyay qaran maadama uu ka caawiyay inay hesho hubka balse waxaa laga hor istaagay in uu safro ama wax xiriir ah uu la yeesho caalamka." https://www.bbc.com/somali/war-58865403 +entertainment Bollywood: Amitabh Bachchan oo dib usoo xasuustay dhibkii ka qabsaday Michael Jackson "Xiddigga shirkadda filimada Bollywoodka Hindiya, Amitabh Bachchan - oo ay Soomaali badan u yaqaannaan ""Cali Dheere"" ayaa maanta baraha bulshada soo dhigay sawir xasuus gaar ah ku leh. Isagoo sharraxayay sawirka ayuu sheegay in uu ka mid ahaa filim laga dalbaday inuu u labisto sida fannaankii caanka ahaa ee geeriyooday Michael Jackson. Qoraal uu soo raaciyay sawirkan uu ku shaaciyay bartiisa Instagram-ka ayuu Amitabh Bachchan ku yidhi: ""Waa markii uu Manmohan Desi ku fakaray in aan iska dhigi karo Michael Jackson xilligii aan sameyneynay filimkeennii Ganga Jamuna Saraswati. Maxaan guul darro socota ahaa!!"" Taageerayaasha atoorahan ayaa faallooyin ay ka bixiyeen qormadiisa iyo sawirka la socda ugu sheegay in uu si fiican uga soo baxay matalaaddaas. Xasuusta Amitabh ayaa daliil u ah in xiddigii heesaha pop-ka, Michael Jackson uusan ahaan jirin kaliya fannaan muusikadiisa la jecel yahay balse uu sidoo kale ahaa nin looga daydo hab ciyaareedka iyo labiska dharka. Michael waxaa loo aqoonsaday in uu ka mid ahaa dadkii saameynta ugu badan dunida ku lahaa qarnigii 20-aad. Wuxuu fannaanka geeriyooday 25-kii bishii June ee sanadkii 2009-kii, xilligaas oo uu ahaa 50 sano jir. Amitabh Bachchan oo ay hadda da'diisu tahay 78 sano qudhiisu wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu caansan Hindiya iyo dunida, waana mid ka mid ah xiddigaha rugcaddaaga ah ee tiiraha u ah shirkadda filimada Bollywood-ka. Xirfaddiisa jilista ayuu sii wadaa xilli lagu guda jiro cudurka safmarka ah ee Covid-19, wuxuuna soo jilay xalaqad kale oo ka mid ah musalsalkiisa Kaun Banega Crorepati. Horaantii sanadkan ayuu Amitabh markii ugu horreysay soo dhigay filimada dhinaca online-ka ah ku baxa, filimkiisii ugu horreeyayna wuxuu noqday Gulabo Sitabo. Filimkan oo uu soo saaray Shoojit Sircar waxaa sidoo kale ku jira jilaaga Ayushmann Khurrana. Bishii July ee sanadkan, Amitabh iyo qoyskiisa - wiilkiisa Abhishek Bachchan, gabadha uu sodoga u yahay ee Aishwarya Rai Bachchan iyo gabadha uu awowga u yahay ee lagu magacaabo Aaradhya - ayaa dhammaantood laga helay fayraska corona. Hase yeeshee waxay ka caafimaadeen maalmo kaddib." https://www.bbc.com/somali/war-55476391 +politics Doorashada Nigeria 2023: Tirinta codadka oo socota "Tirinta codadka ayaa ka socota Nigeria kaddib doorashadii madaxtinnimo ee ugu adkeyd tan iyo markii uu dhammaaday xukunkii militariga sanadkii 1999. Dadka u soo baxay codeynta ayaa aad u badan, iyadoo da’yar badan, markoodii ugu horreysay codeynaya ay goobaha codbixinta sii tageen aroor hore. Codbixintii shalay ayaa waxaa hareeyay dib u dhac baahsan oo ka jiray goobaha codbixinta, iyo sidoo kale kale warar sheegaya in la xaday sanduuqyada codbixinta iyo weerarro ay geysteen rag hubeysan. Xisbiyada qaar ayaa walaac ka muujiyay sheegashooyin la xiriira wax is daba marin, taasoo horseedi karta natiijo lagu murmo. Doorashooyinkan ayaa ah kuwa dimuqraadiyadeed ee ugu waaweyn Afrika, iyadoo ilaa 87 milyan oo qof la ansixiyay inay codeeyaan. Siyaasadaha ayaa waxaa hareeyay labo xisbi – kan talada haya APC iyo PDP – tan iyo markii la soo celiyay hannaanka dimuqraaddiga ee axsaabta badan 24 sano kahor. Balse markan, waxaa sidoo kale jira loollan adag oo ka imaanaya musharraxa xisbi saddexaad oo doonaya inuu beddelo Madaxweyne Muhammadu Buhari – waana ninka ka socda Xisbiga Shaqaalaha, Peter Obi, kaasoo taageero ka heysta da’yar badan. Tobnaan kun oo goobaha codbixinta ah ayaa tirinaya natiijada, taasoo loo diri doono xarumaha waaweyn ee guddiga doorashada ee ku yaalla caasimadda Abuja. Natiijada kama dambeysta ah ayaa la filayaa inay soo baxdo ilaa ugu yaraan Talaadada. Shir jaraa’id oo uu shalay qabtay, guddoomiyaha guddiga doorashada, Mahmood Yakubu, wuxuu raalligelin ka bixiyay dib u dhaca ku yimid codbixinta, balse wuxuu sheegay in cid walba oo saf ku jirtay abbaaro14:30 xilliga dalkaas (13:30 GMT) loo oggolaan doono inay dhiibtaan codkooda, xitaa haddii goobaha codbixinta loogu talogalay in xilligaas si rasmi ah ay u xirmaay. Codbixiyeyaasha magaalada ugu weyn, Lagos, ayaa farxad muujiyay markii ay saraakiisha doorashada gaareen goobta codbixinta ee ku taalla xaafadda Lekki ku dhowaad afar saacadood kaddib markii codbixinta si rasmi ah loo xiray. ""Nayjeeriyaan ahaan waad fileysaa wax walba, sidaa darted waxaan soo qaatay power bank iyo dhalo biyo ah. Waan sugayaa ilaa ay yimaadaan si aan u codeeyo,"" ayay BBC u sheegtay Edith oo markeedii ugu horreysay codeyneysay. Warar sheegayay weerarro hubeysan oo lagu qaaday goobaha codbixinta Waxaa jiray warar ka imaanayay Lagos oo sheegayay rabshado iyo sanaadiiqda codbixinta oo la xaday. Codbixiyeyaasha qaar ayaa ka cabanayay in la weeraray lagana cayriyay halkii ay isugu yimaadeen si ay codkooda u dhiibtaan. Meelaha kale, dadka ayaa la sheegay in lagu amray inay u codeeyaan musharrax gaar ah amaba ay ka tagaan goobta codbixinta. Mr Yakubu ayaa sheegay in rag hubeysan ay weerareen qaar ka mid ah goobaha codbixinta ee gobolka koofureed ee Delta iyo kan waqooyi ee Katsina, halkaasoo mashiinnada xaqiijinta kaararka laga qaaday. Kaddib ayaa mashiinno kale lagu soo beddelay iyadoo ammaankana la xoojiyay si ay u dhacdo codbixinta, ayuu intaa raaciyay. Balse codbixinta ayaa dib loo dhigay ilaa maanta 141 goobo codbixin oo ku yaalla gobolka koofureed ee shidaalka qaniga ku ah ee Bayelsa cillado awgood. Gobolka waqooyi-bari ku yaalla ee Borno, ayaa Mr Yakubu wuxuu sheegay in maleeshiyo Islaamiyiin ah ay rasaas ku fureen saraakiisha doorashada iyagoo weerarka ka soo qaaday buur dusheeda taaoso ku taalla deegaanka Gwoza, waxaana ku dhaawacmay qaar ka mid ah shaqaalaha doorashada. Kahor codbixinta waxaa hareeyay yaraanta lacagta caddaanka ah oo ay sababtay isku day lagu doonayay in dib loogu qaabeeyo lacagta dalkaas, taasoo sababtay jahwareer baahsan oo ka dhacay bankiyada iyo mashiinnada lacagaha iyadoo dadku ay ku dhibtoodeen inay helaan lacagahooda. Lacagaha cusub ayaa la soo saaray si wax looga qabto sicir bararka, iyo sidoo kale iibsashada codadka. Maalintii doorashada xubin ka mid ah Aqalka Wakiillada ayaa la xiray isagoo sitay ku dhowaad $500,000 (£419,000) oo kaash ah, iyo liiska dad uu doonayay inuu u qeybiyo, sida ay booliisku sheegeen. Cid walboo guuleysata ayaa waxaa horyaalla dib u qaabeynta lacagta, dhaqaale sii xumaanaya, shaqo la’aanta dhalinyarada iyo ammaan darro baahsan oo sababtay in ilaa 10,000 oo qof la dilo sanadkii hore. Codbixiyeyaasha ayaa codkooda siinaya 109 senatarro federal ah iyo 360 xubnood oo aqalka wakiillada ah, iyadoo barasaabyada gobolladana doorashadooda la qaban doono bisha March. Doorashada waxaa aad u daneynaya da’yarta – iyadoo saddex meelood meel dadka codeynaya ay da’doodu ka hooseyso 35. Musharraxa si uu u guuleysto wuxuu u baahanyahay inuu helo codadka ugu badan iyo 25% sanduuqyada codbixinta ee saddex meelood ka labo 36-da gobol ee Nigeria. Haddii kale, waxaa la qaban doonaa doorasho ku celis ah muddo 21 gudahood ah – waxayna markaas noqoneysaa tii ugu horreysay ee la qabto taariikhda Nigeria." https://www.bbc.com/somali/articles/cj5ydlv2q43o +technology Shirkadda Hyundai oo sameysay gaari ceedceedda ku shaqeynaya Shirkadda gawaarida sameeysa ee Hayundai oo laga leeyahaya Kuuriyada Koonfureed ayaa soo saartay gaari ay ugu magac dartay Sonata oo ku shaqeeynaya tamarta uu ceedceedda ka qaato. Gaarigan ay Kuuriya sameeysay 60% tamarta uu ceedceedda uga baahan yahay uu ka heli karaa saqafka kore oo ay ceedceedda ku dhacdo muddo lix saacadood ah. Dabka uu gariga Sonata ceedceedda ka helana wuxuu ku socon karaa ilaa iyo 1,300km (800 oo mile). Shirkadda Hayundai waxay sheegtay iney gawaaridi horay ay u soo saartay laftooda saqafka kore haddii loo xiro ay ceedceedda dab ka heli karaan. Shirkaddu waxay sheegtay nidaamka ceedceedda gawaarida ku shaqeeynaya oo la soo saaro waxay yareyneysaa wasaqeynta hawada oo waxaa yaraanayo kaarboonka hawada lagu sii daayo, shidaal yar uu isticmaalayo. Gaarigan cusub oo ah nooca raaxada ayaa matoorkiisa loo sameeyey si uu u qaadan karo tamarta. Gawaarida cusub ayey shirkaddu qorsheyneysaa iney marka ugu horreyso u iib geyso suuqa Waqooyiga Mareykanka iyo Korea, balse ay hadda diyaar u ahayn iney meela kale u iib geyso. Balse shirkadda qiimaha ay damacsantahay iney ku iibiso gawaarida ceedceedda ku dhacdo saqafka kore ee gaariga ma aysan sheegin. Dalka Britain ayaa sida oo kale ka mid ah waddamada soo saara gawaarida korontada ku shaqeeya waxaana marki ugu horreysay suuqyada dalka UK lgu soo bandhigay bishii hore. Shirkadda Hayundai ma aha shirkaddi ugu horreysay oo soo saarto gawaari ceedceed ku shaqeeyo balse waxaa horay u soo saartay shirkadda Toyota gawaari ay ugu magac dartay Prius iyo Revero. Dalka Netherlandina waxaa uu sameeyey gawaari yaryar oo koronta ku shaqeeya isla-mrkaana dabyar ceedceedda ka qaata si batariga gaariga ay dab u siiyan. Gaarigaasi korontada ku shaqeeynaya ayaa qiimahiisu waxaa lagu qayaasay €149,000 (£137,000), iyada oo lagu wado in la suuq geeyo 2021-ka. https://www.bbc.com/somali/war-49252419 +politics Dagaalka Ukraine: Saddex arrimood oo Turkiga uu ka faa'iiday xasaradda "Tan iyo markii uu billowday dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine 24-kii bishii February, xaalado badan ayaa kusoo kordhay dunida, waxaana ka mid ah isbaddal ku dhacay xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Ukraine. Xukuumadaha Ankara iyo Washington ayay sannadihii ugu dambeeyay u dhaxeysay xurguf ku saabsan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay xakameynta awoodda hubka ee Turkiga. Go'aanka uu Turkiga uga soo hor jeestay isku dayga uu Ruushka ku doonayo qabsashada Ukraine iyo dadaalka uu ugu jiro in labada dhinac lagu dhexdhexaadiyo hab diblomaasiyadeed ayaa sabab u noqday in Aqalka Cad uu ""mahad celin"" u hayo Ankara. Khubarada dhinaca diblomaasiyadda ayaa sheegay in aysan wax lala yaabo noqoneynin haddii ay Madaxweyne Erdogan iyo dhiggiisa Mareykanka, Madaxweyne Joe Biden, kulan yeeshaan inta uu socdo shirka NATO ee loo ballansan yahay isbuuca soo socda. Mowduucyada ay ka wada hadli doonaan waxaa ka mid ah sidii loo kordhin lahaa wadaxaajoodyada labada dal u dhaxeeya iyo arrimaha ku saabsan diyaaradaha uu Turkiga doonayo ee noocoodu yahay F-16 iyo xiisadda ku gedaaman gantaallada difaaca ee S-400. Tan iyo Markii uu billowday dagaalka Ukraine, Turkiga ayaa u muuqday in uu dhowr arrimood ka faa'iiday arrintaas. Markii uu Ruushka gudaha u galay Ukraine waxa uu weerarkiisa ujeeddadiisa ahaa in aan la ballaarinin isbahaysiga Nato oo uu Putin ka baqayay in ay xuduudihiisa ku sii fidaan. Tallaabadaas ayaa horseedday in isbahaysiga reer Galbeedka uu dhankiisa adkeysto difaaca, waxaana muhiim noqotay in sare loo qaado xiriirta uu Mareykanka la wadaago waddamada xubnaha muhiimka ka ah Nato, oo uu ka mid yahay Turkiga. Turkiga ayaa isagana dhankiisa muujiyay sida uu u diiddan yahay dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine, inkastoo uu xiriir xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah la leeyahay xukuumadda Moscow. Dhanka kale, ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay militeriga Ruushka isaga caabiyeen diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee ay ka heleen Turkiga. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ma aysan beeninin taageerada ay siisay Ukraine, inkastoo ay sheegtay in diyaaradahaas laga iibsaday shirkad laga leeyahay Turkiga. Arrimaha kale ee sida weyn loogu bogaadiyay Ankara waxaa ka mid ah sida ay ugu istaageen dadaallada xalka diblomaasiyadeed loogu raadinayo dagaalka ka socda Ukraine. Intaas waxaa sii dheer in Turkiga uu xiray marinnada badda ee Istanbul iyo Dardanelles oo laga hor istaagay maraakiibta militeriga Ruushka, tallaabadaas oo waafaqsan heshiiska caalamiga ah ee Montreux. Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa si xoog leh u kordhay heerka xiriirrada wada hadalka iyo joogteyntiisa ee u dhaxeeya Washington iyo Ankara. 9-kii bishan March waxaa khadka telefoonka ku wada hadlay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden. Inta ay socotay xasaradda, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa dhowr jeer la xiriiray dhiggiisa Mareykanka, Anthony Blinken. Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Ankara, Hulusi Akar, ayaa la xiriira Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka, Austin Lloyd. Ilo wareedyo laga helay khubaro ku xeel dheer arrimaha diblomaasiyadda ayaa sheegay in ay aad ugu badan tahay in isbuuca soo socda ay si gaar ah isu arkaan Erdogan iyo Biden, marka uu dhacayo shirka hoggaamiyeyaasha waddamada xubnaha Nato. Mowduucyada ugu waaweyn ee ku saabsan wadahadallada la xiriira Ukraine ee lala yeeshay Turkiga waxaa ka mid ah in Mareykanku uu cadaadis ku saarayo Ankara inay si buuxda uga qayb qaadato cunaqabateynta lagu soo rogay Ruushka iyo in kale. Waxaa Xukuumadda Ankara hoosta looga xariiqay in aan culeys lagu saari doonin arrintaas, haddii ay hawada Turkiga u furnaato Ruushkana aan cabasho laga keeni doonin. Hase ahaatee waxaa il gaar ah lagu heynayaa in aysan Moscow marinka hawada ee Turkiga u adeegsanin kala gudbinta qalab militeri iyo soo daabulista dagaalyahanno ka imaanaya dhinaca Suuriya. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee Turkiga uu ka faa'iidayo in uu hagaago xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka waa in la dhammeystiro hirgelinta heshiiskii uu Washington uga iibsaday diyaaradaha dagaalka ee uu noocooda yahay F-16. Labada dal ayaa isku khilaafsanaa qodobkan tan iyo dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay. Mareykanka ayaa diyaaradahaas u diri waayay Turkiga oo lacagtooda baxsaday kaddib markii ay xurguf ka dhalatay go'aanka uu Turkiga gantaallada difaaca hawada ee S-400 uga iibsaday Ruushka. 80 diyaaradood oo Turkiga uu filayay in ay usoo diraan Mareykanka ayaan ilaa hadda la gaarsiinin. Hase ahaatee waxaa hadda la filayaa in Turkiga uu helo diyaaradahaas haddii uu is afgaradka guul ku biyo shubto. Sida ay sheegeen ilo wareedyo, wadahadallada billowday bilihii lasoo dhaafay ayay suurtagal tahay in lagu soo gabo gabeeyo ilaa xagaaga, oo ah bartamaha sanadkan, kaddibna loo gudbiyo golaha Congress-ka, si ay u ansixiyaan. Maamulka Madaxweyne Biden ayaa sheegay in Ankara uusan wax dhib ah xageeda ka imaan doonin haddii laga iibiyo diyaaradaha F-16, balse waxaa adkaan doona in Congress-ka ay aqbalaan. Turkiga ayaa hadda ku doodaya in khatarta ka dhalatay dagaalka Ukraine aysan saameyn doonin oo keliya dalkooda balse ay gaari karto dhammaan waddamada xubnaha ka ah Nato ee dhinaca koonfurta bari. Waxaa lasoo tebiyay in arrintan ay hadda sababtay in Congress-ka Mareykanka ay mudnaan gaar ah siiyaan sidii loo ansixin lahaa ib Turkiga laga iibiyo diyaaradaha F-16. Mareykanka ayaase dhanka kale doonaya in Ankara aysan howlgalinin qalabka difaaca S-400 ee ay kasoo iibsadeen Ruushka, kaasoo qaybtiisii ugu horreysay lasoo gaarsiiyay bartamihii 2019-kii. Washington ayaa ku adkeysaneysa in xitaa haddii ay Turkigu haysanayaan gantaallada S-400 ay kayd ka dhigtaan, marka ay lagama maarmaan noqoto oo keliyana la halw geliyo, inkastoo Turkigu ay arrintaas ka biyo diidan yihiin." https://www.bbc.com/somali/war-60811086 +politics Doorashada Mareykanka: Trump oo waji-gabax kala kulmay Maxkamadda ugu sareysa ee Mareykanka "Maxkamadda ugu sarraysa waddanka Mareykanka ayaa gaashaanka u daruurtay iskuday aanan noociisa oo kale hore loo arag oo meesha loogaga saari rabay natiijooyinka doorashadii ka dhacday afar gobol oo aad loogu loolamay, dacwaddaas oo uu baritaarayay Madaxweyne Donald Trump. Dacwadda ayaa waxaa todobaadkii tegay maxkamadda geeyay madaxda gobolka Texas, iyagoo doonayay in sharci-darro laga soo qaado natiijooyinka doorashooyinkii ka dhacay gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin. Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa dhammaan afartaasi gobol ku guulaystay. Dacwadda ayaa waxaa taageerayay xeer ilaaliyayaasha 18 gobol oo Mareykanka ku yaal iyo 106 xubnood oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Koongareeska. Hasayeeshee Maxkamadda ugu sarraysa dalka ayaa Jimcihii amar kooban oo ay soo saartay ku diidday iskudaygaas iyadoo xukuntay in Texas aanay lahayn awood sharci oo ay kiiska ku keeni karto maxkamadda. Xukunkaas ayaa waxa uu ka dhigan yahay dhabarjab kale oo soo gaaray Mr Trump, kaas oo iyadoo uusan wax caddayn ah u hayn hore u soo jeediyay in natiijadii doorashadii madaxtinimada ee Nofeembar ay suuragal tahay in go'aankeeda lagu dhammeyn Maxkamadda ugu sarraysa dalka. Maxkamadda ayaa bilowgii todobaadkii tegay diidday dacwad kale oo loogaga soo horjeeday guusha Mr Biden uu ka gaaray gobolka Pennsylvania, iyadoo gaashaanka ugu daruurtay hal jumlo oo ay xukunkeeda ku ridday. Mr Trump ayaa ku celceliyay eedo aan kala sooc lahayn oo uu ku andacoonayay in ""codad aan sharci ahayn"" ay horseedday inuu waayo in muddo xileed labaad uu dalka maamulo. Tan iyo doorashadii, Mr Trump iyo taageerayaashiisa ayaa waxa ay maxkamadaha geeyeen tobannaan dacwo oo ay su'aal ku galinayaan natiijooyinka doorashada. Mase ay jirto hal dacwad oo xitaa u soo dhawaatay in meesha laga saaro guusha Mr Biden. Musharraxa Xisbiga Dimuqraadiga ayaa waxa uu Mr Trump kaga adkaaday codad gaaraya 306 cod oo codadka ergada doorashada Mareykanka ah halka Trump uu helay 232 cod, iyadoo ergaduna ay yihiin kuwa doorta Madaxweynaha Mareykanka. Mr Biden ayaa guud ahaan dalka waxa uu 7 milyan oo cod ka horreeyay madaxweynaha. Waxaana la filayaa in ergada doorashada ay kulmaan Isniinta si ay si rasmi ah Mr Biden ugu doortaan inuu noqdo Madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka." https://www.bbc.com/somali/war-55284714 +health Jiir abaal marin ku muteystay baarista miinooyinka "Jiir weyn oo laga qaaday Afrika ayaa la guddoonsiiyay abaal marin caalami ah kaddib markii lagu guuleystay in loo adeegsado miino baarista. Jiirkan oo lagu magacaabo Magawa waxaa loo adeegsaday in lagu soo saaro ilaa 39 miinooyin ah iyo 28 hub aan qarxin ah. Ha'yad samafal oo qaabilsan xaananada xoolaha ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa bilad dahab ah ku abaal marisay jirkan, waxay sheegtay in loo adeegsaday baarista miinooyin halis ah oo laga soo saaray Cambodia. ""Shaqadiisa oo aheyd badbaadinta nolosha gaar ahaan deegaanada uu kasoo saaray miinooyinka halista ah ee dalka Cambodia"" sida ay sheegtay ha'yadda PDSA. Jiirkan wuxuu uriyaa miinooyinka iyo qaraxyada. Biladda ha'yadda samafalka ee PDSA ay siisay jiirkan waxaa ku qornaa ""Xayawaanka geesiga ah ee shaqada sida daacadda ah u qabtay"", ilaa 30 xayawaan ayaa abaal marin la siinayay balse waxaa ugu horreeyay jiirka oo ku muteystay shaqada miino baarista. Jiirka oo da'diisu lagu sheegay 7 jir waxaa lagu soo tababaray dalka Belgium- waxaana gacanta ku heysaa ha'ayad samafal oo la yiraahdo Apopo oo uu fadhigeedu yahay Tanzania- waxaana loo yaqaana 'Jiirka halyeeyga ah' , waxaa loo adeegsan jiray baarista miinada iyo dadka qabo cudurka qaaada tan iyo sagaashamaadkii. ""Sharaf ayay inoo tahay in aan helno biladda noocan ah"" waxaa sidaas yiri madaxa fullinta ee ha'yadda Apopo, Christophe Cox xilli uu la hadlayay wakaaladda wararka ee PA . Wuxuu intaas ku daray ""Waa tallaabo micno weyn ugu fadhido shacabka Cambodia iyo guud ahaan caalamka oo la daalaa dhacaya dhibaatooyinka ka dhasha miinooyinka"" Abwaanka Soomaaliga ee u bareera soo saarista miinooyiinka Muxuu amiirka boqortooyada Ingiriiska ugu socday dhul ay miino ka buuxdo? Laba jiir oo lagdamaya sawirkooda oo noqday midkii ugu cajiibsanaa Jiirka Magawa waxaa loo tababaray in uu uriyo walxaha qarxa, wuxuuna si deg deg ah ku ogaanayaa goobta ay ku aasan tahay miinada, taas oo khuburada u fududeyneyso inay soo saaraan miinada. Agaasimaha ha'yadda abaalmarinta guddoonsiisay jiirka Jan McLoughlin, waxay ku tilmaantay shaqadiisa ""Mid kheyrul caadi ah oo waxtar weyn leh"" ""Magawa wuxuu badbaadinaya waxna ka baddalaya nolosha ragga, haweenka iyo carruurta ay saameeyeen miinooyinka, miino kasta uu soo saaro waxay ka hortageysaa halista dhimashada iyo dhaawaca"" Miinooyinka ayaa halis ku ah nolosha carruurta ku nool dalalka ay dagaallada ka dhacaan sida Soomaaliya iyo Ciraaq. Sida laga soo xigtay ha'yada miinooyinka baarta oo la yiraahdo HALO Trust, dalka Cambodia miinooyinka waxay ku dhintay ama ku dhaawacmay in badan 64,000 qof, miinooyinkaas oo dhulka lagu aasay sanadihii toddobaatamaadkii iyo siddeetamaadkii." https://www.bbc.com/somali/war-54290843 +politics Bandowgii lagu soo rogay magaalooyiinka Mareykanka oo joojin la'a dibadbaxayaasha Bandowgii lagu soo rogay qaar ka mid ah magaalooyiinka Mareykanka ayaa waxaa uu hor istaagi waayay dibadbaxayaasha ka careysan geeridii ninkii madowga ahaa George Floyd,. Ninkan ayaa ku dhintay magaalada Minneapolis ka dib markii mid ka mid ah booliiska uu qoorta uga joogsaday. Dibadbaxayaal dhigayay mudaaharaad si ammaan ah ku dhacay ayaa isugu soo baxay dhowr magaalo oo bandowga lagu soo rogay. Balse waxaa sidoo kale jiray dhismooyiin la weeraray iyo dhac dukaamo loo gaystay. Boqolaal qof ayay booliiska ka hortaga rabshadaha ku xireen magaalada Los Angeles. Magaalada New York waxaa dab la qabadsiiyay 20 gawaarida booliiska ah. Ninkii booliiska ee caddaanka ahaa ee qoorta kaga joogsaday Mr Floyd ayaa lagu wadaa in maalinta barito ah maxkamad la soo taago. Waxaa lagu wadaa in lagu soo oogo dacwad ah in uu dil geystay. Dibadbaxayaasha ayaa imika dalbanaya in sidoo kale la soo xiro saddexdii askari ee falka ku weheliyay akariga dilka loo haysto. Balse meelaha qaar sida magaalada ay Soomaalida ku badan tahay ee Minneapolis waxay rabshaduhu isu badaleen qalalaaso. Waxaa la dhacay oo la jabsaday dukaamo iyo xarumo klae oo ganacsi oo ku yaalla magaaladaasi. Barasaabka gobolkaasi ayaa waxaa uu cambaareeyay dhaca iyo boobka ay ku kaceen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha. https://www.bbc.com/somali/war-52869012 +sports Suuqa kala iibsiga xagaaga: Ciyaartoyda ugu caansan Yurub ee bilaashka lagu heli karo "Qaar ka tirsan ciyaartoyda ugu magaca dheer Qaaradda Yurub ayaa xagaagan lagu heli karaa si lacag la'aan ah, maaddaama qandaraasyada ay kula joogeen kooxahooda ay dhacayaan. Paul Pogba maku laaban doonaa Juventus? Muxuu samayn doonaa Gareth Bale? Xagguuse aadi doonaa Christian Eriksen? BBC Sport ayaa si hoose u eegaysa qaar ka tirsan ciyaartoyda caanka ah ee raadinaya kooxaha ay u ciyaari lahaayeen xilli-ciyaareedka sanadka soo socda. Kooxdiisa xilligan: Real Madrid Waxaa lala xiriirinayaa: DC United, Cardiff City, Newcastle United, Nottingham Forest, AC Milan, Tottenham Hotspur Go'aanka uu Gareth Bale uga tagayo kooxda Real Madrid ayaa yimid kaddib sagaal sano oo uu koobab badan ku qaaday caasimadda Spain, halkaasoo uu ugu dabaaldagay shan koob oo Champions League ah iyo saddex koob oo horyaalka ah. Weeraryahanka xulka qaranka Wales, oo hadda 32 jir ah, ayaa Real Madrid oo sanadkan horyaalka qaadatay ku biiray bishii September ee sanadkii 2013-kii, isagoo markaas lagu iibiyay lacagtii ugu badnayd ee abid ciyaartoy lagu helo oo ahayd £80m. Waxa uu hadda horayba u sii sheegay in qoyskiisa iyo caafimaadkiisa uu uga qaybgali karo tartanka Koobka Adduunka uu xoogga saari doono marka uu go'aansanayo kooxda uu u ciyaari doono sanadka dambe. Kooxdiisa xilligan: Manchester United Waxaa lala xiriirinayaa: Juventus, Real Madrid, Paris St-Germain, Manchester City. Paul Pogba waxa uu xagaagan ka tagay Manchester United kaddib markii uu la joogay lix sano oo uusan ku farxin kaddib markii uu mar labaad kusoo biiray kooxda. Ciyaartoygan khadka dhexe ka ciyaara waxa uu ku guulaystay koobka EFL-ka iyo koobka Europa League-ga isla sanadkii soo noqoshadiisa oo aad loo xiiseynayay, markaas oo lagu soo iibiyay lacagtii ugu badnayd abid oo ahayd £89m. Waxay ahayd 2016-kii oo uu kasoo wareegay kooxda Juventus. Halka uu 29 jirkan xulkiisa qaranka ka caawiyay inay ku guulaystaan Koobkii Adduunka ee 2018-kii, waxa kaliya ee uu Manchester United u qabtay waa inuu ciyaarta dhexdeeda kusoo bandhigo laadadka uu ciyaartoyda u qaybiyo iyo orodkiisa dhanka weerarka ee awoodda badan. Ciyaartiisa waxay u muqatay mid u badan dhanka difaaca khadka dhexe waxa uuna taageerayaasha kooxdiisa ku niyad-jabiyay inuu samayn waayay dadaal badan. Muuqaal dukumintari ah oo uu Pogba uga sheekeeyay noloshiisa ayaa lasoo tebiyay in uu ku sheegay in mushaarkiisa isbuuclaha ah ee dhan £300,00 uusan ahayn ""waxba"" qof walba oo hadda soo saxiixdana looga baahan yahay in uu jeebkiisa buuxo. Kooxdiisa xilligan: Brentford Waxaa lala xiriirinayaa: Brentford, Tottenham, Manchester United Christian Eriksen wuxuu u qalmay inuu qayb ka noqdo qandaraas afar sano iyo bar ah oo uu ku joogo Inter Milan. Si kastaba ha ahaatee, 30-jirkan ayuu wadnuhu istaagay markii uu bishii June ee la soo dhaafay u ciyaarayay Denmark tartankii Euro ee 2020. Wuxuu beddelay qaabkii xirfaddiisa ciyaareed, iyadoo ku soo laabashadiisa kubbadda cagta ay timid markii lagu rakibay qalabka wadnaha lagu dhejiyo ee Defibrillator (ICD). Inter ayaa fasaxday Eriksen - sababtoo ah aaladda u xiran ICD lagama ogola Serie A - taas oo ku riixday Brentford heshiis lix bil ah, halkaas oo tayadiisa ay soo ifbaxday markii uu kooxda ka caawiyay hubsashada ka sii mid ahaanshaha kooxaha horyaalka Premier League. Brentford ayaa doonaysa in ay sii haysato kubbad-qaabeeyihii hore ee Ajax laakiin miyuu sii joogi doonaa London mise wuxuu u ambabixi doonaa meel kale iyada oo ay xiiseynayaan kooxo ay ku jirto Manchester United? Kooxdiisa xilligan: Manchester United Waxaa lala xiriirinayaa: West Ham United, Newcastle, Tottenham, Roma, AC Milan Jesse Lingard ayaa ka tagaya Manchester United oo ah kooxda uu ka soo aflaxay akadeemigeeda oo uu la qaatay labaatan sano oo cimrigiisa ah. Manchester United ayaa xagaagii hore si la yaab leh u dooratay inay sii haysato ciyaaryahanka khadka dhexe ee u dhashay Ingiriiska. 29-sano jirkaan wuxuu u adkeystay olole adag 2021-22 waxaana la siiyay fursado aan badneyn. Amaah guul leh oo uu ugu wareegay West Ham horraantii 2021 ayaa u noqotay fursad uu dadka dhaliila ku xusuusiyo tayadiisa. Taas ayaa laga yaabaa inuu ka dhalisay ka fikirka helitaanka koox cusub oo uu dammaanad qaadda ciyaaro joogto ah si uu sanadkan fursad ugu helo ka qeybgalka Koobka Adduunka. Ousmane Dembele Kooxdiisa xilligan: Barcelona Waxaa lala xiriirinayaa: Chelsea, PSG Arrimuhu uguma socon sida fiican ee uu jeclaan lahaa Ousmane Dembele tan iyo markii uu Barcelona ugu soo biiray mid ka mid ah heshiisyadii ugu qaalisanaa abid ee uu kaga yimaado Borussia Dortmund 2017. Dhaawacyo 25 ah ayaa caqabad ku noqday horumarka weeraryahanka France, taas oo la micno ah inuu kaliya wax aad u kooban ka soo bandhigay hibadiisa sare ee dhanka xirfadda ah. Marka uu soo bandhigo orodkiisa xawaaraha leh iyo kartida uu u leeyahay in uu ku dhex ordo difaacyada ka soo horjeeda ayaa keenta inay sare joogsadaan taageerayaasha Nou Camp. Iyadoo marar badan lala xiriirinayay inuu baxo, madaxa kooxda Joan Laporta iyo tababare Xaxi ayaa labaduba rajo ka qaba in lagu qanciyo inuu sii joogo. Kooxdiisa xilligan: Manchester United Waxaa lala xiriirinayaa: Real Madrid, Arsenal, Atletico Madrid iyo Juventus. Edinson Cavani ayaa muddo labo sano ah oo dareenno isku dhafan leh ku sugnaa Manchester United. Ciyaaryahankan 35 jirka ah ee u dhashay dalka Uruguay ayaa si bilaash ah ugu biiray Manchester United bishii October 2020, xilligaas oo uu ka soo tagay PSG. Ciyaaraha waxay ugu billowdeen si qurux badan isaga oo dhaliyay 17 gool tartamada oo dhan xilli-ciyaareedkiisii ugu horeeyay. Imaanshihii Cristiano Ronaldo iyo dhaawacyada u muuqday kuwo aan dhamaanayn oo soo wajahay ayaa sabab u noqday in xilli-ciyaareedkii hore uu si wanaagsan u muuqan waayo. Shakhsiyadiisa iyo waayo-aragnimadiisa ayaa weli u sahli kara in qiimo sare uu sii lahaado mustaqbalka. Kooxdiisa xilligan: Manchester City Waxaa lala xiriirinayaa: Botafogo, Flamengo, Corinthians, Athletico Paranaense Fernandinho oo 37 jir ah ayaa saftay 19 kulan oo Premier League ah isaga oo Manchester City ka caawiyay in ay ku guulaysato koobkeedii afraad ee shan xilli-ciyaareed gudahood. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa horay u muujiyay rabitaankiisa inuu dib ugu laabto dalkiisa marka uu ka tago Manchester City, halkaasoo uu kula guuleystay shan koob oo heer sare ah, lix EFL Cup iyo FA Cup. Kooxdiisa xilligan: Atletico Madrid Waxaa lala xiriirinayaa: Juventus, Aston Villa, Sevilla, Inter Miami Luis Suarez oo 35 jir ah ayaa ah rugcaddaa in lagu xuso mudan oo ku jira liiska ciyaartoyda bilaashka lagula soo saxiixan karo, iyadoo ka tagistiisa garoonka Wanda Metropolitano ay imaaneyso xilli ciyaareedkii uu dhaliyay 13 gool tartamada oo dhan. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa laga yaabaa in uusan u firfircooneyn sidii uu ahaa sanadihiisii yaraa, laakiin dareenkiisa iyo dhanka dhaqdhaqaaqiisa goolka ayaa kooxo dhowr ah ku tijaabin kara inay dalab waqti gaaban ah ka gudbiyaan. Kooxda hadda: Real Madrid Waxaa lala xiriirinayaa: Sevilla, Arsenal, Tottenham Isco waxa uu xagaagan boorsooyinkiisa ka soo xirxirtay Bernabeu isagoo shan jeer ku guuleystay Champions League iyo saddex jeer oo La Liga ah. Kubadsameeyahaan 30-sano jirka ah ayaa weli ku guda jira xilliyada ugu fiican ee xirfadiisa ciyaareed, waxaana uu isku dayi doonaa inuu dib u helo fursad uu isku soo bandhigo, kaddib markii uu boos ka waayay Madrid iyo xulkiisa qaranka Spain. Kooxda hadda: PSG Waxaa lala xiriirinayaa: Juventus, Barcelona Weeraryahanka Argentina Angel di Maria ayaa ciyaaray mid ka mid ah kulamadiisii ugu fiicnaa, isagoo wax ka dhaliyay goolashii ay PSG dhalisay ciyaartii 5-0 ay uga badisay Metz. Wuxuu ahaa kulankiisii ugu dambeeyay. Ciyaaryahanka oo 34-sano jir ah ayaa dhaliyay 93 gool 295 kulan oo uu u saftay kooxda PSG, isagoo kula guuleystay shan horyaal iyo sagaal koob oo maxalli ah intii uu joogay caasimadda Faransiiska. Juventus iyo Barcelona ayaa loo maleynayaa inay ku dagaallamayaan saxiixa xiddigan garabka ka ciyaara." https://www.bbc.com/somali/war-61898826 +business Ma-nooleyaal badeli doona 20 milyan oo shaqaale bini'aadam ah Dad gaarayo 20 malyan oo qof oo ka shaqeeya shirkadaha adduunka ayaa waxay waayi doonaan shaqooyinkooda marka la gaaro sannadka 2030-ka maadama aaladda Robotka ay qaban doonto shaqadaas, sida ay sheegtay shirkadda dhaqaalaha ee Oxford. Qaar kamid dadka shaqo la'aanta ay dhigi doonto aaladda Robotka waxay heli doonaan shaqooyinka Robotka, si kastaba, soo ifbixidda makiinadda waxay dabooli doontaa baahida shaqo la'aanta dunida iyo kobcinta dhaqaalaha. Kororka Robotka Robotka waxaa uu shaqo la'aan dhigi doonaa 1.6 malyan oo qof oo ka shaqeeya shirkadah wax soo saarka dunida, waxay saameyn doontaa arrintaasi gobollo badan oo dunida ku yaalla. Gobollada ay ku nool yihiin dadka aanan laheyn xirfadaha waxtarka leh ayaa qarka u saarnaan doonaa shaqo laa'aantan , waxay halis ugu jiri karaan in shaqooyinka ay qaban jireen uu qaban doono Robotka, sida ay sheegeyso shirkadda dhaqaalaha ee Oxford. Burcad Internetka oo boqolaal kun oo madax furasho ah ka qaatay maamul magaalo Khuburada teknooloojiyadda ee carruutooda ka mamnuuca shaashadaha Burcad Internetka oo boqolaal kun oo madax furasho ah ka qaatay maamul magaalo Shaqaalaha ka shaqeeya shirkadaha qaabilsan arrimaha gaadiidka,dayactirka iyo shaqooyinka maamulka waxay waayi karaan shaqooyinkoda maadama uu Robotka qaban karo. Weriyaha BBC ee arrimaha teknooloojiyadda, Robotka waxaa uu muuqdaa in dadka uu shaqo la'aan dhigi doontaa dad badan oo ka shaqeeyo warshadaha iyo xafiisyada. Meelaha sida ay saameynta ugu yeelan doonto Robotka waxaa kamid ah dalka Shiinaha halkaaso ay dad badan ay dhigi doonto shaqo la'aan. Caqabadaha heysta dowladaha waxaa kamid ah, dhiirogelinta curinta fikradaha wax ku oolka ah ee teeknooloojiyadda sida Robotka, dhinaca kale si loo eego shaqo la'aanta saameyn karta bulshada. Shaqooyinka hal abuurka iyo arrimaha sirddoonka ayaa u muqdaa kuwo ay banii'aadanka sii qaban doonaan tobonnaan sanno oo socda. Ku dhawaad 1.7 milyan oo qof ayaa horraan shaqadoodii waayay tan iyo markii uu dunida kusoo kordhay Robotka, Yurub waxay garaayan dadka shaqo la'aanta dhigay Robota 400,000, halka Mareykanka iyo Shiinaha ay kala yihiin dadkaas shaqada waayay 260,000 iyo 550,000. Shirkadda waxay sidoo kale sheegtay in meelaha ugu badan uu Robotka qaban shaqooyinka waxaa kamid ah dalka Shiinaha, ilaa 1.4 Malyan shaqo ayuu Robotka ka qaban doona Shiinaha meesha lagu gaaro sannadka 2030-ka. Dalka Ingiriiska, boqolaal kun oo qof ayaa waxay halis ugu jiri doonaan shaqooyinkooda maadama Robotka uu baddali karo. Guud ahaan boqolkiiba 30 dunida waxaa sare u kacay soo saarista Robotka, waxaa uu kobaca dhaqaalaha dunida ku biirinayaa adduun gaarayo 5 Trilyan. https://www.bbc.com/somali/war-48788478 +politics Askari isagoo direyska xiran dumarka kufsan jiray oo laga fashilay xeelad uu adeegsanayay "Askari ka tirsan booliska dalka Britain ayaa muddo 20 sano ah tacaddiyo kufsi ah u geysanayay dumarka isagoo ku labisan direyska ciidanka booliska oo walibana hubaysan. Waxa uu dulmanayaashiisa ku dhihi jiray waxaa tihiin addoomadayda isagoo kufsiga ciqaab kale ugu dari jiray oo ay ka mid tahay jirdil. Askarigan oo lagu magacaabo David Carrick ayaa dumarkan u sheegi jiray in aanay cidna aaminayn haddii ay arrintooda la wadaagaan maadama hadalkoodu aanu wax micna ah samaynayn marka la barbar dhigo kan booliska taasoo uu ula jeeda in maxakamaddu ay u hiillin doonto isaga. Ninkan oo la xiray ayaa ilaa hadda lagu helay 49 eedayn oo ku saabsan 12 dulmane inta la ogyahay. Dambiyadaas ayaa dhacay intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2021. Ka dib markii uu qirtay dambiyadan ayey booliska magaaladu raalligalin ka bixiyeen inay ku guul darraysteen aqoonsiga dambiilaha direyska xiran. Sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa sheegay in ficillada uu sameeyay Carric ay ahaayeen wax lama filaan ah. Carrick ayaa joojiyay kufsiga ka dib markii ay ugu dambeyntii haweenay ka mid ah dadka uu dhibaatada u gaystay go’aansatay inay dacweyso. Sida la sheegay, haweenaydan ayey iska barteen shabakdda shukaansiga internetka ee loo yaqaanno Tinder, hal sano ka hor. Kulankii ugu horreeyayba Carrick waxa uu haweenaydan tusay warqadda loo jaro qofka lasoo xirayo oo uu sheegay in uu haweenay kale ku raadinayo, waxa uu sidoo kale u sheegay in uu dad badan oo caan ah la kulmay oo raysul wasaaruhu ka mid yahay. Ka dib marka ay cabitaan isla wadaageen wuxuu haweenayda u qaaday qol hotel halkaas oo sida haweenaydan lagasoo xigtay uu ku kufsaday. Carrick ayaa diiday eedaymaha markii ugu horeysay ee uu maxakamadda kasoo hor muuqday, balse magaciisa ayaa bulshada dhex galay intii uu ahaa eedaysanaha. Sida uu sheegay  askarigan booliska ee magaciisa la yiraahdo Ian Moore oo baaritaanka hoggaaminayey, dad badan oo kale ayaa soo baxay ka dib markii dacwaddii ugu horreysay la maqlay kuwaas oo iyaguna watay dacwado ka dhan ninkan. Balse haweenayda arrinta bannaanka usoo bixisay ayaa ogaan doonta in ay noqotay qof dhiirrigeliyay dumar badan oo bannaanka keena ceebta ninkan direeska ku gabbanayay. Waxaa soo baxday in ilaa 3 saldhig oo kale laga dacweeyay ninkan. Barbara Gray oo ah kaaliyaha madaxa amniga ayaa sheegtay in booliska ""looga baahanaa inay mar horeba ku baraarugaan qaab dhaqameedkiisa"". ""In aanay taasi dhicin ayaa keentay in tacaddiyadan ninkani gaysanayo ay kordhaan,"" ayey kusii daraty. Dhibbanaha ugu horeeyay ee la ogyahay ee  Carrick uu falkan tacaddiga ah kula kacay ayaa sheegtay in “2003dii loo xiray eedaymo been ku salaysan oo uu ka gudbiyey askariga, iyadoo ka dib na kufsi iyo hanjabaad qori caaraddii ah loo gaystay"". Tan iyo markaas dumar badan ayuu u geystay xadgudubyo kufsi iyo dhibaatayn kale ah. Wuxuu ku magacaabay in ay yihiin ""dumarkiisa jirka ka ganacsada"". Waxa uu u sheegi jiray dumarka qaar waxa ay xidhaan, halka ay seexdaan iyo waxa ay cunaan si uu ugu caddeeyo inuu la socdo noloshooda oo dhan. Mararka qaarkood waxay gabi ahaanba mamnuuci jireen cuntadooda. Qaarkood wuxuu ka mamnuucay inay la hadlaan rag kale. Mid ka mid ah haweenka ayaa sheegtay in Carrick uu ku garaacay suunka, mid kalena waxay sheegtay in uu inta badan ku xidhi jiray armaajo yar oo jaranjarada hoosteeda ah. Saddex dumar ah ayaa xiriir la mid ah 'xakamaynta iyo qasabka'' la lahaa Carrick, booliskuna waxay rumaysan yihiin inay jiri karto tiro intaas ka badan." https://www.bbc.com/somali/articles/c991qpkkjk7o +politics Maamulaha Twitter: Mamnuucidda Trump waa 'sax' balse waa 'halis' "Maamulaha Twitter Jack Dorsey ayaa sheegay in mamnuucitaanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ahayd wax sax ah. Si kastaba, wuxuu murugo ka muujiyay ""cawaaqibta aan caadiga ahayn"" ee ka dhalan karta in Mr Trump gebi ahaanba laga mamnuuco bartaas. Wuxuu sidoo kale sheegay in mamnuucitaanka uu qeyb ka ahaa guuldarrada Twitter-ka, oo aan in ku filan ka sameyn in ""wada sheekeysi caafimaad qaba"" lagu wadaago bartaas. Twitter-ka waa lagu ammaanay waana lagu cambaareeyay xiritaanka akoonka Mr Trump. Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel iyo Madaxweynaha Mexico Andres Manuel López Obrador - oo midkoodna aan xulafo la ahayn madaxweynaha xilka ak sii degaya ee Mareykanka - ayaa cambaareeyay falka shirkadda. Qoraal dheer oo uu Twitter-ka soo dhigay, ayaa maamulaha bartaas wuxuu ku sheegay inuusan u dabaal degin sharafna uusan ku dareemin mamnuucitaanka - oo yimid kaddib weerarkii Capitol ee toddobaakdii hore. Wuxuu sheegay in madaxweynaha laga saaro Twitter-ka ay timid kaddib markii ""digniin cad"" loo diray Mr Trump. Wuxuu sidoo kale oggolaaday in tallaabadaas ay saameyn ku yeelan doonto internet-ka furan ee xorta ah. ""In la qaado tallaabooyinkaas waxay saameyneysaa wada sheekeysiga bulshada. Way na kala qeybinayaan….waxayna muujineysaa tusaale aan u arko khatar."" Isagoo ka hadlayay cambaareynta loo jeediyay, ayaa wuxuu sheegay in keliya tiro yar oo madaxda shirkadaha teknolojiyadda ah ay sameyn karaan go'aanno la xiriira cidda cod ku yeelan karta internet-ka. Go'aanka lagu xirayo akoonnada, meeshana looga saarayo qoraallada Twitter-ka ayaa waxaa lagu cambaareeyay inuu meel uga dhacayo xorriyadda hadalka. Si kastaba, shirkadaha teknolojiyadda ee waaweyn ayaa ku doodaya inay yihiin shirkado gaar loo leeyahay, oo aysan ahayn kuwo ay dowladdu maamusho, isla markaana uusan sharcigu qabaneyn marka ay isbeddel ku sameeyaan barahooda. Madaxweynaha la doortay Joe Biden ayaa sheegay in dhammaan shirkadaha sida Facebook iyo Twitter uu ka doonayo inay tallaabo dheeri ah ka qadaan hadallada nacaybka ku dhisan iyo wararka been abuurka ah." https://www.bbc.com/somali/war-55657585 +entertainment "Djibouti: Filmka Hindiga ah ee Jabuuti ku saabsan ""waa qiso dhab ah""" "Filim Hindi ah oo isugu jira sheeko jaceyl, dagaal iyo tahriibin, oo lagu jilayo dalka Jabuuti, ayaa la filayaa in la baahiyo 10-ka bisha December ee sannadkan. Soo saaraha filimkan, oo ka mid ah jilaayada, Amith Chakalakkal, oo la hadlay warbaahinta Times of India, wuxuu sheegay in ""sheekada ay tahay mid jaceyl oo ka dhexeysa laba dal oo qurux badan - Hindiya iyo Jabuuti"". ""Filimka wuxuu sidoo kale sharaxayaa dhibaatada uu qof wajihi karo haddii uu aado dal shisheeye. Waa jaceyl, arrimo qoys iyo dagaal. Balse waxa isoo jiitay waa in sheekadan ay tahay mid dhab ah"". Filimkan wuxuu ka hadlayaa laba qof oo saaxiibbo ah ka dibna u safray dalka Jabuuti iyo waxyaabihii ay la kulmeen. Sidoo kale, waxaa filimka looga hadlayaa tahriibinta dadka. Geesiga filimkan waa Shakun Jaswal inkastoo Amith uu yahay jilaaga koobaad. Amit Chakkalakkal oo hoggaanka u ah filimka ayaa lagu tilmaamay in uu ka mid yahay jilaayada soo koraya hadda ee ugu wanaagsan Hindiya ""Iyadoo la eegaya xaaladihii iyo qalabkii la adeegsaday iyo cimilada goobta lagu jilay filimka, iyo xaalado kale oo adag, haddana waxaan aad ugu kalsoonahay in Amith uu ka soo baxay kaalintiisa"", ayuu yiri Sinu oo ka mid ah soo saareyaasha. SJ Sinu oo ah ninka qaabilsan qeybta soo saarista filimka wuxuu sheegay: ""Inagoo eegeyna dadka ay sheekada ku saabsan tahay, waxaan dareennay in ay haboontahay in filimka lagu jilo Meesha ay qisada dhabta ah ka dhacday."" ""Haddaba Jabuuti iskama aynaan xulanin,"" ayuu yiri. Filimkan Djibouti waxaa jilliinkiisa la billaabay xilli dunida uu dhibaato ba'an ku hayay xanuunka COVID-19. Balse arrinta caawisay waxay ahayd in dalka lagu sameeyay aysan xannibaad adag ka jirin iyo xanuunka oo aan si adag u saameynin, sida ay sheegeen soo saareyaasha. Si gaar ah waxaa filimka lagu sameeyay deegaan lagu magacaabo Tadjoura, oo ku yaalla Jabuuti. Waxaa dhowaan la baahiyay qeybta xayaysiiska filimkan ay jilayaan atooreyaal iyo dad kale oo Hindi ah, ayna qeyb ka yihiin dad Jabuuti u dhashay. ""Hadda, waxaan ku sii soconaa in shaashadaha waaweyn laga baahiyo filimka. Weli ma go'aansanin in hab dijitaal ah aan u baahino. Waxaan sidoo kale go'aansanay in aan la sii baahinin filimka bisha November"", ayuu yiri mid ka mid ah soo saareyaasha oo la hadlay Warbaahinta The Prime Time." https://www.bbc.com/somali/war-59089756 +technology Hubka Casriga ah: Maxaad ka taqaanna diyaaradaha dagaalka ee Jiilka lixaad oo Mareykanka iyo Shiinaha ay ku tartamayaan? "Mareykanka iyo Shiinaha waxaa ka dhex billaabmay tartan ay ugu jiraan sameynta diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad, ee noqon doono kuwa ugu casrisan caalamka. Soo saaridda diyaarad militari oo ""qarsoodi ah"" ee loogu magac daray jiilkii lixaad ee ciidanka cirka, ma waxay dhalisay tartan cusub oo dhinaca hubka ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha? Iyada oo laga duulayo astaamaha soo ifbaxaya ama la helayo, waxaa la ogaaday in jawaabta su'aashan ay tahay 'Haa'. Bishii June ee 2021-ka ciidamada cirka Mareykanka waxay shaaca ka qaadeen diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad ee weli sameyntooda gacanta lagu hayo, in 10-ka sana ee soo socota gudahood loo adeegsanayo nidaamka xukunka hawada ee jilka xiga ee loo yaqaanno NGAD. Taliyaha ciidanka cirka Mareykanka Janaraal Charles Q. Brown wuxuu guddiga joogtada ee arrimaha ciidamada ee baarlamaanka u sheegay in diyaaraddan cusub ee casriga ah ay beddelyso diyaaradda Raptor F-22, waxayna awood u yeelaneysaa in hal mar howlo badan ay wada qabato. Taliyaha ciidamada qalabka sida wuxuu sheegay hindisaha miisaaniyadeed ee sannadka 2022, lagu sheegay ujeeddada diyaaraddan dagaalka ee cusub inay tahay in uu Mareyknka noqdo kan marweliba hoggaamiya hawada sare. Sidoo kalana, diyaaraddan waxay wood u yeelan doontaa inay beegsato bartilmaameedyo dhulka ku yaalla. Diyaaradda dagaalka ee Jiilka lixaad ""waxay awood u leedahay inay fuliso duqeymo dhinaca cirka ah oo marka hore lagu sugayo ammaanka diyaaradda lafteeda iyo in Saraakiisha ciddamada cirka iyo ciidamada iskudhafka ah ay u helaan fursad ay ku maamulaan"". Brown waxaa kaloo uu sheegay, ""diyaaradda dagaalka ee NGAD in ay balaarisay waxqabadka diyaaradda F-22, waxayna awoodda inay halki mar ay qaaddo hub iyo rasaas aad u tira badan, taas oo u saamaxeysa inay ku duusho Indo-Pacific (Badweynta Hindiya, Aasiya, Autralia iyo Bariga dhexe)."" Diyaaradda NGAD waxaa lagu tilmaamay inay ka mid tahay diyaaradaha adeegsado habka ay ku shaqeeyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee awoodda badan u leh in ay cadowga weeraraan, qaadidda weerarrada elektroonigga ah iyo mashiinno hub dheeri ah leh ama isticmaalaya. Balse saraakiisha militariga Mareykanka waxay sheegayaan inay naqshadda aasaasiga ah ee diyaaradda ay tahay midda diiradda la saarayo ee cajiibka ah. Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu qaado hanjabaad dhan walba ah oo ku wajahan ciidamada cirka ee Shiinaha iyo gantaalka Indo-Pacific. Madaxa waaxda istaraatiijiyadda, Sarreeya Guud S. Clinton High, ayaa bishii May sheegay in caqabadaha jiilalka soo socoda ay wajahayaan ay yihiin diyaaradaha casriga ah ee Shiinaha iyo gantaallada riddada dheer. Waxaa uu sheegay in soo bandhigista diyaaradaha dagaalka ee riddada dheer ay qayb ka tahay olole ""hufan"" oo looga golleeyahay in Baarlamaanka dalka Mareykanka looga digo khatarta Shiinaha iyo xaaladda firfircoon ee horumarka degdegga ah. ""Waa in aad heshaa qof xaaladdan wax ka qaban kara"".""Runtii waqtigu wuxuu ku dhow yahay in uu soo dhawaado marka gantaallada awoodda badan sida J-20 ay khatar ku noqon karaan ciidamada cirka ee Mareykanka,"" ayuu yidhi.J-20 waa diyaaraddii ugu horreysay uu Shiinaha sameeyey (oo aan lagu arkin raadaar iyo qalabka diyaaradaha basaaso), oo ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee hadda dunida ugu casrisan. Wadaxaajoodyo xooggan ayaa u dhexeeyay ciidamada cirka ee Shiinaha iyo ciidanka cirka ee Mareykanka inkasta oo aysan mira dhalin.Sida laga soo xigtay maqaal sannadkii hore lagu daabacay wargayska ugu afka dheer Shiinaha ee Global Times, waxaa lagu sheegay, ""Shiinaha kama hari doono dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad, wuxuuna dhisi doonaa diyaaradaha dagaalka ee jiilka xiga 2035."" Wang Hefeng, oo ah khabiir hormuud u ah diyaaradaha dagaalka Shiinaha, ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad ee Shiinaha la bilaabi doono sannadka 2035.Wang Hefeng waa naqshadeeyaha guud ee Machadka Cilmi-baarista iyo Hal-abuurka ee Chengdu, kaas oo sidoo kale ku hawlanaa samaynta diyaaradaha J-20 iyo J-10.Warbixinta waxay sheegaysaa in farsamooyin cusub lagu daray diyaaradaha dagaalka ee jiilka lixaad, iyo sidoo kale in ay ka mid yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sirdoonka macmalka ah iyo hawada sare (awoodda ay ku duuli karaan iyo si degdeg ah in ay u yareyn karaan xiisadda hawada). Awoodda ayaa ku jirta. Ciidamada cirka Mareykanka markii ay soo bandhigayeen miisaaniyadda sannadka 2022-ka, waxay sheegeen in doorka diyaaradda dagaalka ee cusub uu Mareykanka sameysanaya ee jiilka lixaad, ay yihiin kuwa halki mar dhowr howlood wada qaban kara oo sameyn kara duqeymo dhulka ah. Brown wuxuu sheegay in bishii May ay ciidamada Mareykanka qorsheeyeen in diyaaradaha loo adeegsado ciidamada cirka ay ku soo koobeen diyaaradaha afarta nooc ee kala ah F-35, F-15EX, F-16 iyo NGAD. Wasaaradda gaashaandhiggana waxay gudbisatay miisaniyadda 2022-ka si looga horumariyo barnaamijka sameynta diyaaradda dagaalka ee NGAD. Ciidamada cirka Mareykankana waxay sheegeen in mashruuca diyaaraddaasi dagaalka ay ku sameysanayaan si loo meel mariyana waxay u baahan yihiin miisaaniyad dhan 1.5 balyan oo doolar. Lacagtaasi waa qorsha miisaaniyadeed ee sanadki hore marka la barbar dhigo 623 malyan oo doollar ka sarreeyo." https://www.bbc.com/somali/war-58110403 +health Coronavirus: Kabtan Tom Moore ayaa abaalmarinta ku muteystay dhaqaala uu u uruuriyey adeegga caafimaadka Britain "Ra'isal wasaaraha dalka Britain Boris Johnson ayaa Kabtan Tom Moore si gaar ah ugu soo xushay abaalmarin in la guddoonsiiyo dadaalka lacag uruurin uu u sameeyey hay'adda bixisa adeegga caafimaadka qaranka ee Britain NHS. Odaygan oo ay da'diisu 100 jirka tahay ayaa hay'adda bixisa adeegga caafimaadka qaranka ee Britain NHS ku deeqay lacag dhan £32 malyan oo gini. Tom oo ka mid ahaa geesiyada dagaalka labaad ee adduunkaee dalka Britain dhul uu lahaa wuuu ku diyaariyey 100 shey baadh ka hor inta ay bisha April uu da'diisu 100 jirsan. Boris Johnson wuxuu sheegay Kabtanka Tom dadaalka uu u galay dalkiisa darteed in loo diyaariyey abaalmarinta Sir loogana yeeri doono Kabtan Sir Thomas Morre si waafaqsan darajooyinka ay bixiso wasaaradda gaashaandhigga Britain. Abaalmarinta Kabtankaasi la guddoonsiinaya oo ay ansixin doonto boqoradda Ingiriiska ayaa si rasmi ah loo shaacin doonaa Arbacada maanta. Kabtan Tom, ayaa darajada Korneelka loo dallacsiiyey xilli uu u dabbaal dagayey xafladdiisa dhalashada ee 100-aad. Wuxuuna Tom lacagta uu NHS ku deeqay ee dhan £32,794,701 gini uu ka soo uruuriyey taageerayaal gaadhaya nus malyuun. Warmurtiyeed uu Boris Johnson soo saaray ayuu ku sheegay Kabtan Tom: ""waa deeq bixiye rekoorka deeq bixiyeyaasha jabiyey, wuxuuna sharaf iyo cizi uu u soo hooyey dalka oo dhan"". ""Aniga oo ku hadlaya magaca dadki qaybta ka ahaa waxqabadkiisa, waxaan doonayaa inaan mahad aad u weyn halkan uga jeediyo. Waana hanti qaran uu dalka Britain haysto"" ayuu yiri. Madaxa xisbiga Labour ee dalka Ingiriiska Sir Keir Starmer oo u hambalyeeyey Kabtan Tom wuxuu sheegay ""malaayiin qof ayuu dhiirrageliyey wuxuuna dhammaanteen naga caawiyey inaan u dabbaal degno guusha ay gaartay hay'adda NHS""." https://www.bbc.com/somali/war-52734161 +sports Muxuu yahay tartanka Mo Farah uu wadnaha farta ugu hayo? "Mo Farah ayaa isu diyaarinaya inuu si “qiira leh” u “macsalaameeyo” orodka dheer ee London Marathon, halkaas oo ay ku badan yihiin taageerayaashiisa kaddib markii uu xaqiijiyay inuu ka qeybqaadan doono tartankaasi. Orodyahanka 39-ka ah ee afarta jeer hore ugu guulaystay orodka Olimbikada, ayaa la filayaa in 2023 uu noqon doono sannadkii ugu dambeeyay ee uu ordo kahor inta uusan tartammada ka fariisan. Hasayeeshee ma uu hubo in orodkan dheer uu noqon doono midkii ugu dambeeyay ee uu tartan adag uga qeybgala, isagoo sheegay inuu “halkii marba ka qeybgeli doono hal tartan”. “Ma filaayo in aan taageero la’aan ku guulaysan lahaa guulaha aan gaaray,” ayuu yiri Farah. “Waa ay wanaagsan tahay in aad dadka macsalaamaysid, waxaanan filayaa inay noqon doonto mid qiiro leh.” Mo Farah ayey aheyd inuu ordo 2022 hasayeeshee tartankii waxa uu uga haray dhawaac awadii. Tartanka orodka dheer ee London Marathon ayaa lagu wadaa in dib loogu soo celiyo waqtigii gu’ga ee la qaban jiray kahor xanuunkii safmarka ahaa, iyadoo ay noqonayso markii ugu horraysay oo tartan la qabanayo muddo saddex sanadood ah waxaana si toos ah loogaga tebin doonaa BBC TV, iPlayer iyo online-ka. Mo Farah oo bisha Maarso noqon doona 40 jir, ayaa dhaawac ka soo gaaray sinta waxa uu ka hor istaagay inuu ka qeybqaato tartankii la qabtay sannadkii la soo dhaafay, midkanna waxa uu noqonayaa marathon-kii ugu horreeyay tan iyo 2019, markaas oo uu galay kaalinta shanaad. Farah oo haysta rikoorka orodka marathon-ka Britain ayaa lagu wadaa inuu markiisii afraad ka qeybgalo London Marathon, 2018 ayey aheyd markii uu kaalinta saddexaad galay – isla sannadkaas oo uu ku guulaystay tartankii Chicago, kaas oo ah guusha kaliya ee orod dheer ee marathon ah ee uu haysto. “Xirfad aad u wanaagsan ayey ii aheyd, inaan ka qeybqaato London Marathon-na waa wax aad iigu wayn,” ayuu Farah yiri. “Marwalba waxaan dhahaa waa ay wanaagsanaan laheyd inaan maalin uun ku guulaysto tartankan, laakiin waa in howl adag laga maro.” Orodyahankan lixda jeer ku guulaystay tartanka World Track Champion, sidoo kalana ku guulaystay tartanka Big Half London ee bishii Sipteembar, ayaa tan iyo bishii Oktoobar 2019 waxa uu orday todoba jeer oo keliya. Walow uu ku guulaydarraystay inuu u soo baxo ciyaarihii Olimbikada Tokyo – si layaab lehna uu kaga guulaystay ciyaaryahanka u orda kooxda ee Ellis Cross ee tartankii London ee 10,000 ee bishii May – haddana waxa uu la dhacsanyahay in dalkiisa uu u ordo inay weli dhiirrigeliso. “Aad baan ugu faraxsanahay guulaha aan gaaray, waxaanse doonayaa inaan bal markale istijaabiyo oo aan eego waxa aan samayn karo. Hasayeeshee ma jirto cid aan isu muujinayo,” Farah ayaa sidaas ku daray. “Olimbikada ma aadi doono waxaanan filayaa in 2023 uu noqon doono sannadkii ugu dambeeyay. ""Sidaasoo ay tahayna haddii waqtiga dhammaadka sanadka la gaaro oo waddankeyga uu ii baahdo marna ma diidi doono.""" https://www.bbc.com/somali/articles/c4ndgry591eo +health Coronavirus: Xayiraaddii socdaalka ee uu Mareykanku ku soo rogay 26 dal oo Yurub ah oo dhaqangashay "Madaxweynaha Mareykanka Donald Turmp ayaa xayiraaddii socdaalka aheyd ee uu ku soo rogay 26 dal oo Yurub ah waxa ay ka dhaqangashay waddanka Mareykanka, arrintaas oo qeyb ka ah qorshe ka hortag ah oo lagu xakamaynayo dhibaatada cudurka coronavirus. Xayiraaddaas waxa ay saameynaysaa dalalka xubnaha ka ah aagga Schengen waxaanse ku jirin UK, Jamhuuriyadda Ireland iyo muwaadiniinta Mareykanka ee dalkooda ku laabanaya. Mr Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay xaalad qaran oo degdeg ah, waxa uuna fasaxay ilaa 50 bilyan oo doolar oo gargaar ah. Ku dhawaad 2,000 oo kiis oo caabuqa Covid-19 ayaa laga helay gudaha Mareykanka halka dhimashaduna ay marayso 43. Maamulka Mr Trump ayaa waxa uu wajahay dhaleecayn ku aaddan sida uu ugu guuldarraystay inuu dadka Mareykanka siiyo baaritaan baahsan oo coronavirus ah. Wararka kale ee maanta ku soo kordhay xogta Coronavirus: Dhanka kale, Washington ayaa Jimcihii waxa ay u yeertay safiirka Shiinaha si ay uga cabato hadal ka soo yeeray diblumaasi Shiinees ah oo sheegay in milateriga Mareykanka ay suuragal tahay inuu cudurka Coronavirus uu soo galiyay waddanka Shiinaha. Coronavirus ayaa waxa uu ka soo bilowday gobolka Hubei ee waddanka Shiinaha dabayaaqadii sanadkii hore. Hasayeeshee heerka maalintii ee dadka cusub ee uu cudurkaasi ku dhaco ayaa hoos u dhacaysay gudaha Shiinaha, taas oo Yurub ka dhigtay ""udub dhexeedka"" cudurkan safmarka ah. Talyaaniga ayaa Jimcihii waxa uu diiwaangeliyay maalintii ugu dhimashada badnayd oo tirada dhimashada waxa ay gaartay - 250 qof oo 24 saacadood naftoodii waayay, taas oo tirada dhimashada ka dhigaysa 1,266, halka 17,660 ay cudurkaasi la ildaran yihiin. Si si wanaagsan cudurkaasi caalamka loogaga falceliyo ayaa hogaamiyayaasha dalalka ugu qanisan dunida ee G7 waxa ay Isniinta yeelan doonaan shir muuqaal ah oo dhibaatada looga hadlaayo. Mareykanku waxa uu xayiraadda ku soo rogay 26 dal oo Schengen ah waxa ayna socon doontaa muddo 30 maalmood ah - oo kala ah 22 dal oo Midowga Yurub xubno ka ah iyo afar aan xubno ahayn. Dalalkuna waxa ay kala yihiin Austria, Belgium, Czech Republic, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Greece, Hungary, Iceland, Italy, Latvia, Liechtenstein, Lithuania, Luxembourg, Malta, Netherlands, Norway, Poland, Portugal, Slovakia, Slovenia, Spain, Sweden iyo Switzerland. Mr Trump ayaa sheegay in UK aanay ku jirin xayiraadda hasayeeshee waxaa suuragal ah in go'aankaas dib loo eego sababtoo ah tirada kiisaska cudurkaas ayaa ""aad sare ugu kacay 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay"". Xayiraadda socdaalka ee Mareykanku uu soo rogay ayaa waxaa loogala horyimid caro iyo jahawareer, iyadoo hogaamiyayaasha Midowga Yurub ay Madaxweyne Trump u eedeeyeen inuu go'aan iska gaaray ""iyadoo uusan wax wadatashi ah samayn""." https://www.bbc.com/somali/war-51886186 +health Dad cabay dawada gacmaha lagu nadiifiyo oo geeriyooday "Ugu yaraan 10 qof ayaa geeriyootay kadib markii ay cabeen walxo ka sameysan dawada jeermiska disha ee loo isticmaalo gacmaha. Arrintaan ayaa timid kadib markii la xiray dukaamadii tuulo lagu iibinayay khamriga oo ku taala gobalka Andhra Pradesh ee dalka Hindiya Tuulada Kurichedu ayaa xayiraad la galiyay kadib markii laga helay kiisas badan oo la xiriira fayraska karona . Taliyaha booliska deegaanka arrintu ka dhacday oo lagu magacaabo Siddharth Kaushal ayaa sheegay in dadka dhintay ay dawada jeermis dilaha ah ee lagu nadiifiyo gacmaha ku dareen biyo iyo cabitaano fudud. Waxyaabaha dadku cabeen oo ka samaysn dhowr nooc oo ah waxyaabo la isku daray ayaa dadku bilaabeen in ay cabaan toban maalmood ka hor. ""Waxaan baaraynaa bal in nadiifiyaha ay ku jiraan walxo kale oo sun ah,"" ayuu yiri Mr Kaushal oo warbaahinta la hadlayay. Wuxuu intaasi ku daray in baaritaano la xiriira dawadaan loo diray dadka ku takhasusay waxyaabaha kiimikada si looga sal gaaro waxa ay dhabtu tahay . ""Qaar ka mid ah dadka la qabatimay isticmaalka khamriga ayaa markii ay gacmaha marsadaan dawada jeermis-dilaha ah ku mirqaama waxaa sidaas wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Siddharth Kaushal. ""Khamriga lama heli karo sababtoo ah xayiraad ayaa lagu jiraa balse daawada gacmaha lagu nadiifiyo ee jeermiska disha waa fududahay sida lagu helo""ayuu Mr Kaushal. Dowladda federaalka ah ee dalka Hindiya ayaa dib u furtay ganacsiyada badankood si looga hortago dhaqaale burbur dalka ku yimaada. Toddobaadkan horaantiisii waxaa la shaaciyey in machadyada jimcsiga loo yaqaano Yogada iyo goobaha lagu ciyaaro loo ogolaan doono in dib loo furo, isla markaana xayiraadaha laga qaadi doono dhaqdhaqaaqa alaabada iyo dadka. Si kastaba ha noqotee, gobollo badan ayaa waxaa sii saarnaan doona xayiraadaha meelo gaar ah maadaama kiisaska cudurka ay soo badanayaan qaybo ka mid ah dalkaas. Kiisaska la xaqiijiyey ee cudurka Covid-19 ee gobalka Andhra Pradesh, oo ku yaal koonfurta Hindiya,ayaa aad sare ugu kacay marka loo eego kiisaskii cudurka ee bishii la soo dhaafay. Dhanka kale, Hindiya ayaa diiwaan gelisay in ka badan 55,000 oo ah kiisas cusub wadanka oo idil kuwaas oo la soo wariyay 24-kii saac ee la soo dhaafay. Tirada dhimashada ayaa iyana kor u kacday oo gaartay 779 kun oo oqf taas oo wadarta guud ka dhigaysa 35,700 oo qof." https://www.bbc.com/somali/war-53618421 +politics Ra'isalwasaare laga helay Coronavirus oo farriin digniin ah u diray shacabkiisa "Ra'isalwasaaraha dalka Britain Boris Johnsonayaa ayaa farriinta digniinta oo qoraal ah u dilay shacka dalkaasiku sheegay iney shacabku raacaan talooyinka ay soo jeedinayaan khubarada caafimaadka si ay naftooda uga badbaadiyaan cudurka safmarka ah. Mr Boris Johnson oo karantiil ku jira kaddib marki laga helay Fayrsaka Covid-19 ayaa sheegay haddii loo baahdo iney dowladdu hirgelisay tillaabbooyin adag oo hor leh. Muwaadiniinta dalkaasina marka ay ku sugan yihiin meel guriyahooda ka baxsanna waa iney racaan ayuu yiri talooyinka ay soo jeediyaan xirfadlayaasha caafimaadka. ""Tallaabbooyinka ay dowladdu qaadeyso waxay u qaadeysaa maadaamaa dowladda lagu eedeeyey iney weli qaadin tallaabbooyin adag."" Farriinta qoraalka oo qoysas ka badan 30 milyan guri ka guri lagu gaarsiinayo daabacaadda farriinta Ra'isal wasaaraha waxay dowladdu ka kaharsh gareeysay 5.8. malyan oo gini. ""Waxaan doonayaa inaan idiin caddeeyo faafitaanka cudurka inta uu isbeddel ku iman ka hor iney dhici karaan dhibaatooyin adag oo muwaaddiniinta soo wajahdo"" ayuu yiri. ""Talooyinka khubarada caafimaadka iyo saaynisyahannada ay noo soo jeedianayaan anaga oo ka duuleyno haddii ay jiraan tallaabbooyin nala gudboon inaan qaadno waan qaadeynaa"" ayuu ku yiri Ra'isal wasaaraha Britain Boris Johnson oo shacabka dalkaasi farriin digniin ah u diray. Dalka Britain waxaa cudurka Coronavirus laga helay dad ka badan 17,089 iyada oo ay cudurka u dhinteen 1,019 qof, shalay oo keli ahna ay cudurka u dhinteen 260 qof. Ra'iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson waxaa laga helay xanuunka dunida kusii faafaya ee coronavirus, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay sida uu shaaciyey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha UK. Mr Johnson ayaa laga helay calaamado sahlan oo ka mid ah kuwa uu leeyahay cudurka, wuxuuna si shakhsi ahaan ah isugu karantiilay gudaha xafiiskiisa. ""Waxaa laga baaray coronavirus kaddib markii uu si gaar ah ula taliyay madaxa waaxda caafimaadka, Chris Whitty,2 ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha. Boris Johson wali wuxuu sii heyn doonaa xilka iyo maamulka dowladda, xilli lala tacaalayo xasaradaha ka dhashay cudurkan, sida lagu sheegay bayaanka. Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Johnson ku yiri: ""24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan isku arkay calaamado aan xoog badneyn waxaana iska baaray coronavirus. Hadda waan is karantiilay, laakiin waan sii wadi doonaan inaan dowladda ku hoggaamiyo dagaalka ay kula jirto fayraskan, anigoo shirarka uga qeyb qaadan doona muuqaal ahaan. ""Annagoo wadajir ah waan ka adkaan doonnaa arrintan."" Markii ugu dambeysay ee Mr Johnson la arkay waxay ahay habeenimadii Khamiista, xilli uu ka qeyb qaadanayay munaasabad loogu mahadcelinayay shaqaalaha Waaxda Qaran ee Caafimaadka UK (NHS). Horaantii Isbuucan, afhayeenka Ra'iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dominic Raab, uu la wareegi doono howlaha Ra'iisul Wasaaraha, haddii uu Mr Johnson xanuunsado." https://www.bbc.com/somali/war-52083691 +politics Taageerayaasha Trump iyo dhaqdhaqaaqa cadaalad doonka ah ee dadka madow oo isfarasaaray "Qof ayaa lagu toogtay gobolka Oregon ee dalka Mareykanka xilli taageerayaasha madaxweyne Trump iyo dhaqdhaqaaqa cadaalad doonka ah ee dadka madow ay isku farasaareen halkaas. Muuqaalo halkaas laga soo duubay waxaa ay muujinayaan shaqaalaha gurmadka degdega oo isku dayaya inay badbaadiyaan nin u muuqday caddaan. Booliiska Portland wax faahfaahin kama aanay bixin toogashadan, mana aysan caddeyn in ay xiriir toos ah la leedahay isku dhacyadan ka dhacay faras magaalaha Portland. Toogashada ayaa timid xilli ay bartamaha magaaladaas isku dhacyo ku dhex marayaan taageerayaasha madaxweyne Trump iyo dibadbaxyaaasha dhaqdhaqaaq dadka madow. Dibadbaxyo joogto ah ayaa todobaadyadii la soo dhaafay buux dhaafiyey waddooyinka waaweyn ee magaalada Portland. Magaaladan ayaa xuddun u noqotay dibadbaxyo looga soo horjeedo midab takoorka iyo gaboodfallada booliiska tan iyo markii 25-kii May magaalada Minneapolis lagu dilay George Floyd. Dhacdadaas ayaa waxaa ka dhashay mawjado caro ah oo ka dhacay guud ahaan Maraykanka. Ciidama heer fedraal ah ayaa Madaxweyne Trump wuxuu bishii July u diray magaalada Portland, tallaabadaas oo lagu tilmaamay mid looga hortagayo qalalaaso halkaas ka dhaca. Taageerayaasha Trump ayaa iyaguna isu soo baxyo xiriir ah ka wada magaaladaas. War qoraal ah oo fiidnimadii sabtida ka soo baxay booliiska Portland ayaa lagu sheegay: "" in saraakiisha booliiska ee magaaladaasi ay maqleen rasaas ka dhacaysa Waddo ku taal Koonfurta-Bari ee magaaladaas ayna booliisku rasaas kale ku jawaabeen halkaasna ay waxyeello ka soo soo gaartay hal qof oo rayid ah oo xabaadka rasaastu ka haleeshay. Saraakiisha caafimaadka waxaa ay markii dambe sheegeen in qofkaas uu u geeriyooday dhaawaci soo gaaray. Muuqaal kale oo la helay waxaa uu muujinayaa booliska oo isku dayaya inay qabtaan nin la socday ninka la toogtay. Maxay arrinta ka bilaabatay? Rasasata la riday ayaa timid xilli xiisad ay u dhaxeyso tagaeerayaasha madaxweyne Donald Trump iyo dhaqdhaqaaqa cadaalad doonka ah ee dadka madow ay ka taagan tahay bartamaha magaalada. Xiisadda ayaa sare u kacday kadib markii kolonyo baabuur ah oo lagu qiyaasay 600 oo ay saaran yihiin dad gaaraya kun qof oo ah taageerayaahsa madaxweyne Trump oo sita waraaqo iyo funaanado ay ku xardhan yihiin sawirka madaxweyne Trump ay isugu soo baxeen fagaaro ku yaala deegaanka Clackamas kahor inta aanay gudaha u gelin bartamaha Portland. Booliska waxaa kale oo ay sheegeen in ""rabshado aan sidaa u badneyn uu dhexmaray labada dhinac, qaar kamid ah dadkii dibadbaxa ka qeyb qaatayna xabsiga loo taxaabay. Waxay arrintan dhacday xilli dhawana shirweynaha xisbiga Jamhuuriga madaxwene Trump loogu doortay in uu uga qeybgalo doorashada soo socota ee la filayo in Mareykanka ay ka dhacdo horraanta bisha Nofembar. Haseyeeshee Trump ayaa markii uu jeedinayay khudbadda aqbalidda musharaxnimada, waxaa uu magaalada Portland ku tilmaamay magaalo ay dimuqraadiga ku badan yihiin oo u saaxiib ah ""bililiqo, rabshado iyo degenaansho la'aan"". Sidoo kale rabshadahan iyo toogashadan ayaa dhacday xilli magaalada Wisconsin ee dalka Mareykanka lagu dilay qof madow ah. Jacob Blake ayaa waxaa soo gaaray dhawaac aad u daran, kadib markii booliska ay toddobo xabadood kaga dhufteen dhabarka xilli uu sii galayay baabuur. Madaxweyne Trump ayaa la filayaa in uu booqdo halka ay wax ka dhaceen. Dibadbaxyo ka dhacay Portland oo looga soo horjeeday dilkii George Floyd ayaa waxaa hareeyay qalalaaso, in la burburiyay hanti badan iyo eedeyn loo jeediyay booliska oo ah in ay dhibaateeyaan dadka rayidka." https://www.bbc.com/somali/53966923 +health Cudurka corona: Shiinaha iyo Mareykanka ma baareen dad badan? "Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, wuxuu sheegayaa in dalkiisa uu sameeyay ""baaritaannadii ugu badnaa"" ee adduunka oo dhan ee xanuunka corona ah, Laakiin warbaahinta dowladda Shiinaha ay sheegeysa, in baaritaannadii uu Shiinuhu sameeyay ay u dhiganto seddax jibaar tan Mareykanka. Haddaba yaa saxan? ""Waxaa dalkeena ka jira xaalado badan oo cudurka ah, sababtoo ah waxaanu sameynaa baaritaanka ugu badan Dalalka kale, baaritaan kuma sameynayaan mallaayiin qof"". Mareykanka ayaa ku dhawaad 31-Milyan oo qof ka baaray fayraska korona, sida lagu sheegay xogtii ugu danbeysay ee la helay. Waxay tiradaas ka badan tahay waddamada reer galbeedka oo dhan, balse tiro ahaan aad uga yar midda Shiinaha oo laga soo tebiyay tirada guud ee baaritaanndada laga sameeyay in ay ka badan tahay 90-milyan oo qof. Waxaa adkaan karta in tirada baaritaannada la is barbardhigo. Dalalka qaar ayaa xisaabinaya tirada dadka baaritaannada lagu sameeyay, halka waddamo qaarna ay tirinayaan baaritaannada guud ee la sameeyay, sida in qof keliya uu dhowr jeer uu baaritaanno mari karo, haddii baaritaanka koowaad ay si fiican u shaqeyn waayo. Mareykna ayaa si weyn u soo tebiya dadka baaritaannada lagu sameeyay, laakiin gobollada qaar ee isla dalkaas ayaa soo gudbiya wadarta guud ee baaritaannada la sameeyay. Shiinaha ayaa wadarta uu soo gudbiyay ay guud ahaan yihiin tirada baaritaannada la sameeyay. ""Shiinaha oo dhan, isbuuc kahor tirada waxay ahayd 90.41-milyan, oo u dhiganta seddax jibaar tirada laga diiwaan geliyay dalka Mareykanka"". Bar twitteroo Tiradan lagu shaaciyay, wuxuu Hu Xijin, tafatirada wargayska Global Times, oo ah warbaahin dawladeed, ayaa ""been qayaxan"" ku tilmaamay sheegashada Madaxweyne Trump ee ah in Mareykanka uu sameeyay tijaabooyinka ugu badan. Xogta Guddiga Caafimaadka Qaranka Shiinaha, oo ay soo diyaarisay dowladda Shiinaha oo aan si madax bannaan loo xaqiijin karin, waxa ay xaqiijineysaa in laga soo bilaabo 22-ka bisha June, uu Shiinuhu diiwaan geliyay 90.41-milyan oo ah baaritaannad guud ee la sameeyay. Sidaas daraadeed, waxaa cad in tirada guud ee Shiinaha ay ku seddex jibaarmeyso tan Mareykanka, balse Shiinaha ay ku noolyihiin shacab aad u badan. marka la eego tiradaas, Shiinaha ayaa 15-kii qofba mid baaritaan ku sameeyay, marka la barbardhigo Mareykanka oo 11-kii qofba mid baara. Sidaas darteed, shacabka ku nool dalka shiinaha sababta ay wax yar uga badan yihiin shacabka ku nool dalka Mareykanka. Dalka Shiinaha ayaa sameeya baaritaano xaddidan, iyadoo in kabadan seddex meelood meel baaritaannadaas laga sameeyay magaalooyiinka Beijing iyo Wuhan iyo gobolka ugu dadka badan ee Guangdong, sida laga soo xigtay wararka gudaha laga soo tebiyo. Hababka baaritaan ayay sidoo kale ku kala duwan yihiin labada dal. Tijaabada maalinlaha ah ee mugga leh oo uu Shiinaha sameeyo ayaa si dhaqso ah u korodhay, taas oo fududeysay qalabka baaritaankaas lagu sameeyo. Waa mid tijaabada u uruurinaya si wada jir ah, isla markaana si kala gaar-gaar ah u baaraya, keliya haddii uu qalabku tuso in cudurka la helay. Dr Anthony Fauci, oo ah khabiirka ugu sarreeya ee cudurrada ka dhasha caabuqa ee aqalka cad, ayaa sheegay in Mareykanka ay si dhab ah uga fiirsaneyso habkan. Balse wuxuu ka shaqeyn doonaa oo keliya gobollada uu tiro ahaan ku yaryahay caabuqa, maaddaama uusan waxtar lahayn haddii saami badan oo ka mid ah cudurka laga helo." https://www.bbc.com/somali/war-53234227 +politics Doorashada Mareykanka 2020; Maxaa dhici karaa haddii musharraxiinta ay dacwad ka gudbiyaan natiijada doorashada? "Xilli ay socoto tirinta codadka doorashada Mareykanka, haddaba, musharraxiinta ka biyo diida natiijada sidey dacwadooda u gudbin karaan? Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa su'aalo iyo jawaabo ku saabsan doorashada Mareykanka. Trump ma isku dayi karaa in uu dacwad ka gudbiyo natiijada doorashada? Haa, labada dhinac waxay sheegeen horraan inay isku diyaarinayaan sidii dacwad ay uga gudbin lahaayeen doorashada. Kooxda ololaha Trump waxay dacwad ka gudbinayaan natiijada doorashada gobollada muhiimka ah sida Nevada, Wisconsin, Georgia, Pennsylvania iyo Michigan. Waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan in dib loo tiriyo codadka waa haddii lagala bixi waayo. Sanadkan waxaa sare u kacay codeynta qaabka boostada, waxaa suurogal ah in codadkan lagu dhiibtay boostada dacwad laga gudbin karo. Waxaana laga yaabaa in dacwadda loo gudbiyo maxkamadda ugu sarreyso Mareykanka- waana ha'yadda sharciga soo saarta go'aanada kama danbeysta ah. Sida sanadkii 2000, markii maxkamadda sare ay joojisay in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay gobolka Florida, waxaana go'aankaas uu dan u ahaa musharraxii xisbiga jamhuuriga George W Bush oo sidaa madaxweyne ku noqday. Maxaa dhici karaa haddii ay natiijo isku mid ah keenaan? Guud ahaan codadka guusha horseeda ee gobollada waxay gaarayaan 538, waxay ka dhigan tahay in ay suurogal tahay in natiijo isku mid ah oo dhanka codadka gobollada ay keenaan, inkasta aanan la filan karin. Haddii musharraxiinta ay ku guuldareystaan inay keenaan codadka ugu badan ee ergada gobollada, waxaa markaas go'aan ka gaari karaa aqalka koongareeska. Waxaan arrintaas go'an ka gaari karaa xildhibaanada aqalka koongareeska ee la doortay doorashada sanadkan 2020-ka. Wixii markaas ka danbeeyo Aqalka golaha wakiilada ayaa u codeynayaa ciddii noqon laheyd madaxweynaha, iyadoo wafti kasta oo matalayo gobol-uu ka dhigan yahay hal cod- musharraxa madaxweyne noqonaya waa in uu helaa 26 kamid ah codadka weftiga gobolladaas. Kaddib aqalka senetka ayaa dooran doona madaxweyne ku-xigeen, dhammaan 100 xubnood ee ka tirsan senetka ayaa codeynta ka qeyb qaadan doonaa. Maxay tahay saameynta codadka guud ay ku leeyihiin codadka guusha horseeda ee codadka ergada ? Codadka guud ee musharraxa ka helo dalka wax go'aan ah kuma laha doorashada madaxtinimo ee Mareykanka balse waa in musharraxa uu ku guuleystay codadka ergada ee gobollada. Musharraxa guuleysta waa in uu helaa ugu yaraan 270 oo ah codadka guusha horseeda ee ergada gobollada. Qof kasta oo dunida ku nool wuxuu ku wareeray 'codadka ergada gobollada', haddaba sidee ayay ku adkaatay in doorashada Mareykanka ay saameyn ku yeeshaan codadka laga dhiibta guud ahaan dalka isla markaana la tuuro 'ergada gobollada'? waxaa ina soo weydisay Judy oo ku sugan Canada. Nidaamka doorashada Mareykanka wuxuu waafaqsan yihiin dastuurka, markaa haddii wax laga baddalayo in dastuurka wax laga baddalaa. Trump ama Biden: Yaa ku horreeya gobollada muhiimka ah ee aan weli natiijadooda la shaacin? Sababta ilaa iyo hadda loo ogaan la'yahay natiijada doorashada Mareykanka Waa isbaddalkaas ay ansixiyaan labo meelood saddex meel xildhibaanada aqalka senetka iyo golaha wakiilada, markaa waa inay ansixiyaan saddex meelood afar meel gobollada Marekanka. Waana arrin u muuqato in aanay suurtogeli karin, inkasta oo ay jireen isku dayo horey u dhacay oo ku saabsan in wax laga baddalo doorashada. Haddaba, maxay yihiin xubnaha ka tirsan ergada gobollada, sidee lagu soo doortaa? iyo muddada ay heyn karaan xilkaas? waxaa ina soo weydisay Penny Reid oo k sugan deegaanka Northumberland ee UK. Xubanaha ka tirsan ergada gobollada waxaa doorasho kasta soo xulaa xisbiyada dimuqraadiga iyo jamhuuriga. Waxaa jiraa hanaan kala duwan marka gobol kasta oo lagu xulanayo. Ergada waxaa loo yaqaana kuwo wax doorta- waxay xiriir la leeyihiin xisbiyada siyaasadda ee Mareykanka, dadka u doodo xuquuqul insaanka ama siyaasiyiintii hore. Bill Clinton wuxuu sanadkii 2016-kii kamid aha ergadii ay soo xusheen dimuqraadiga halka Donald Trump Junior ay soo xusheen jamhuuriga. Yaa go'aan ka gaarayaa cidda madaxweyne noqoneyso waa haddii la waayay cid guul kasoo hoyisa ergada codadka ee gobollada? waxaa ina soo weydiyay -Robert Pallone oo ku sugan Maryland Haddii la waayo cid guul ka gaarto codadka guusha horseeda ee ergada gobollada, waxay arrintaas ka dhigan tahay in la kala bixi waayay ama in aanan la xallin dacwadda ka dhanka ah natiijada doorashada. Ergada gobollada oo ay shaqadoodu tahay soo xulista madaxweynaha- waxay kulmayaan 14-ka bisha Diseembar sanadkan, waa inay gudbiyaan musharraxiinta gobol kasta guul ka gaaray. Suuragal ma tahay in lagu shubto doorashada Mareykanka? Haddii la xallin waayo khilaafka dhanka natiijada doorashada, waxaa loo gudbinayaa in arrinta inay faraha lasoo galaan xubnaha koongareerska. Haddii kongareeska ay ku guuldareystaan inay soo xulaan cidda madaxweyne noqoneyso, waxaa jiraa hanaan gaar ah oo dhigaya cidda xilka qabaneyso sida sharciga uu dhigayo, waxaana ugu horreeya dadka xilka qaban karo , Afahayeenka aqalka wakiilada ama qofka labaad ee xilka ugu sarreeyo ka hayo aqalka senetka, Inkasta oo aysan arrinta weligeed dhicin. Maxay tahay sababta codadka la tiriyay ee gobollada qaar ay uga badan yihiin gobollo kale? waxaa ina soo weydiyay S Robertson, oo ku sugan deegaanka Sussex ee UK Musharraxiinta waxay olole ka bilaabaan gobollada ee uu jahwareerka natiijo ay ka taagan yihiin- waana sababta dadka qaar ay isaga dhaadhiciyaan in gobolladan ""codadkooda inta badan la tiriyay"" Waxaana gobolladan lagu tiriyaa inay yihiin kuwa muhiimka ah ee sida weyn loogu tartamayo. Waxaana inta badan lagu xisaabtamaa codadka ergada gobolladan ee guusha horseeda. Gobollada qaar ee la sheego inay ku xooggan yihiin taageerayaasha xisbiyada qaar- sida gobolka California oo ay ku xooggan yihiin taageerayaasha dimuqraadiga halka gobolka Alabama ay ku xooggan yihiin taageerayaasha jamhuuriga- mararka qaar waxaa dhacdaa in musharraxiinta isku haleynayo halkaas aysan wax olole gobolladaas ku qaban. Waxayna inta badan diiradda saarayaan sidii ay guul uga gaari lahaayeen gobollada muhiimka ah sida Florida iyo Pennsylvania." https://www.bbc.com/somali/war-54838066 +sports Arsene Wenger: Tababarihii hore ee Arsenal oo shaqo sare laga siiyay FIFA "Tababarihii hore ee Arsenal, Arsene Wenger ayaa dib ugu soo noqday ciyaaraha kubadda cagta. Wuxuu ogolaaday in uu noqdo madaxa FIFA ee horumarinta kubadda cagta caalamka. Tallaabadaas waxay meesha ka saartay hadalladii la isla dhexmarayay ee ahaa in uu noqonayo tababaraha kooxda Bayern Munich. Wenger wuxuu kooxda Gunners ka tagay bishii May, sannadkii 2018-kii. Wuxuu laylinayay 22 sano, wuxuuna ku guuleystay seddax koob oo horyaalka Premier League ah iyo toddobo koob oo FA ah. ""Si weyn ayaan u doonayaa in aan qabto shaqadan muhiimka ah ee aadka u adag,"" ayuu yiri. Xilkan cusub ee Wenger uu ka qabanayo Xiriirka Kubadda Cagta Caalamka waa shaqo lagu horumarinayo ciyaaraha rag iyo dumar iyo sidoo kale arrimaha farsamada ciyaaraha. Wuxuu hadda noqonayaa xubin ka tirsan Guddiga farsamada ee FIFA, waana guddoomiyaha kooxda baaritaanka arrimaha farsamada." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-50401222 +politics Soo galootiga: Dowladda Ingiriiska oo loo oggolaaday qorshihii ku saabsanaa Tahriibeyaasha Dowladda Ingiriiska ayay Maxkamadda sare u fasaxday in ay dadka magangalyo-doonka ah ee dalkeeda jooga geyn karto Rwanda. Talaadada soo socota ayay bixi doonaan duullimaadyada ugu horreeya ee qaadaya qaxootiga. Ololeyaal looga soo horjeeday arrintan oo sameynayay isku-dayo sharci ayaa guuldarreystay. Laakiin kiiskan waxaa Isniinta dhegeysan doona Maxkamadda Racfaanka. Kooxaha Xuquuqul Insaanka iyo Ururka Shaqaalaha waxay filayeen natiijo ku saabsan sheegashahooda ka dhanka ah Xoghayaha Arrimaha Gudaha Priti Patel oo ka dambeeya qorshaha rarista magangalyo-doonka. Waxay sidoo kale raadinayeen amar maxkamadeed oo joojinaya duulimaadka ugu horreeya. Boqol magangalyo-doon ah ayaa lagu hayaa xarumo gaar ah, waxayna sugayaan in dalka laga dhoofiyo.James Wilson, oo ah agaasime ku xigeenka Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Detention Action ayaa u sheegay BBC in uu aaminsan yahay in 'Ruwanda aysan ahayn waddan saddexaad oo ammaan ah'. Intaa waxa dheer, sida uu sheegay in saxiixa Axdiga Qaxootiga UK oo dhigaya in magangelyo-doon kasta oo iska dhiiba Ingiriiska uu xaq u leeyahay inuu ku noolaado isla Ingiriiska. Bartamihii bishii April ee sanadkan ayay dowladda Britain sheegtay in qeybtii ugu horreysay ee magan-galyo-doonka laga yaabo in toddobaadyo gudahood laga duuliyo UK oo la geeyo Rwanda. Hadalkaas ayaa daba socday markii lagu dhawaaqay qorshe lagu doonayo in qaxooti loogu diro dalka ku yaalla bariga Afrika si ay magangelyo uga helaan halkaas. Qorshahan ayaa marka hore diiradda saarayaa ragga aan guursan ee ka tallaaba kanaalka Ingiriiska iyagoo raacaya doomo ka yimid Faransiiska. Qiyaastii 31 ruux ayaa la filayaa in ay raacaan duullimaadka ugu horreeya ee ku wajahan Rwanda. https://www.bbc.com/somali/war-61761626 +entertainment Mid ka mid ah laadariintii ugu magaca weynaa filimada Hindiga iyo xaaladda uu hadda ku jiro "Mas’uuliyiinta isbitaal ku yaalla Hindiya ayaa sheegay in caafimaadka jilaaga ruug caddaaga ah ee lagu magacaabo Vikram Gokhale uu soo hagaagayo. “Xaaladda Vikram Gokhale way sii fiicnaaneysaa, rajo fiicanna way leedahay. Indhaha ayuu kala furayaa gacmaha iyo lugahana wuu dhaqaajinayaa,” ayuu yiri Shirish Yadgikar, oo ah Madaxa Xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee Isbitaalka Dinanath Mangeshkar. Mas’uulkan ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in Vikram qalabka caawiya neefsashada laga furo 48-ka saac ee soo socota gudahooda. War saxaafadeed kasoo baxay Isbitaalka ayaa lagu xusay in cadaadiska dhiiggiisa iyo garaaca wadnihiisa ay labaduba caadi kuso laabteen. Vikram Gokhale ayaa isbitaalka la dhigay 5-tii bishan November, tan iyo xilligaasna waxaa lala tacaalayay xaaladdiisa caafimaad. Mar ayey soo baxeen warar sheegayay in uu geeriyooday, balse qoyskiisa ayaa durbadiiba sheegay in xogtaas ay tahay been abuur. Gabar uu dhalay Vikram oo ka war bixineysay xaaladdiisa ayaa tiri: ""Jilaaga weyn ee Vikram Gokhale weli wuxuu ku jiraa xaalad caafimaad oo adag, neefsashadana waa laga caawiyaa, balse weli ma uusan geeriyoon. Sii wada ducooyinka aad u sameyneysaan.” Dad badan oo Soomaali ah, gaar ahaan taageerayaasha filimada iyo madadaalada kuma cusba magaciisa iyo wajigiisa midna. Waxaaba suurtagal ah in ay marar badan daawadeen filimada uu jilayay. Waxa uu 14-kii bishii November ee sanadkii 1945 ku dhashay magaalada Pune ee dalka Hindiya. Vikram waxa uu tobannaan sano ku soo dhex jiray xirfadda jilista oo uu magac weyn ku yeeshay, isagoo abuuray dhaxal ballaaran oo ay xiiseeyaan jiilasha ka dambeeya. Filimada uu jilay waxaa ugu badnaa kuwa ku baxa luuqadaha Hindiga iyo Marathi-ga, sidoo kale waxa uu kasoo muuqday musalsallo aad u badan. Ayeeyadiisa dhinaca aabbe, Durgabai Kamat, ayeeyadiisa dhanka hooyo, Kamalabai Gokhale iyo aabihiis Chandrakant Gokhale waxay dhammaantood ahaayeen jilayaal muhiim ahaa oo soo maray filimada Marathi-ga. Durgabai Kamat waxa ay atariisho ka ahayd filimka ""Mohini Bhasmasur” oo soo baxay sanadkii 1913. Filimka Khuda Gawah oo uu qeyb ka ahaa Vikram ayaa soo baxay 30 sano ka hor, waxa uuna ka mid yahay filimadiisa sida weyn looga daba dhacay, sidoo kalena ah mid ka mid ah filimadii taariikhda galay cusub dhigay xilliga uu soo baxay. Marka laga soot ago shaleemooyinka filimada luuqadda Marathi-ga, waxa uu sidoo kale magac ku lahaa kuwa luuqadda Hindiga. Sanadkii 2010 waxa uu xirfaddiisa u beddelay hagista filimada, markaasoo uu agaasimay filimkiisii ugu horreeyay oo lagu magacaabo ""Aaghaat”. Ninkan oo hadda 75 jir ah ayaa sanadkii 2016 ka fariistay howlaha masraxyada jilista ka dib markii uu ku dhacay xanuun dhinaca dhuunta ah. Hase yeeshee waxa uu sii waday ka shaqeynta filimada." https://www.bbc.com/somali/articles/c9rl45y21z2o +health Hooyaday waxay u dhimatay naxdintii ay ka qaadday dilkii walaalkay Yuosef "Hooyada dhashay wiilkii toorida wadnaha uu uga dhuftay saaxiibkii ayaa geeritootay.Waxay ahayd 55 sano waxayna geeriyootay saakay, oo ku dhaawaad 14 bilood laga joogo geerida wiilkeeda Yousef Makki oo 17 sano jir ahaa, kaasi oo lagu tooriyeeyay Hale Barns, ee magaalada Manchester. Gabadheeda Jade Akoum waxay sheegtay '' Dhimashada walaalkay Yuusef waxay ahayd mid aad inooogu xanuun badan balse cadaalad darrada iyo dagaallkii joogtada ahaa ee aan kula jirnay darteed hooyaday markaasi kaddib niyaddeeda ma aysan degin.'' ""Aad ayay u niyad jabtay.'' ayay tiri Jade Akoum. Yuusef waxa uu geeriyooday bishii Maarso ee sannadkii 2019-kii. Maxkamad ku taalla magaalada Manchester ayuu Molnar oo ah wiilka mindida geliyay Yuusef ka hor sheegay inuu naftiisa difaacayay. Ms Akoum ayaa sheegtay in xaaladda hooyadeed aysan wanaagsanayn tan iyo sannadkii la soo dhaafay, isbitalkana laba maalmood ka hor loola cararay. ''Waxaa jiray ballamo badan oo been ah oo laga qaaday qoyskeena kuwaasi oo burburiyay rajadii aanu cadaaladda ka lahayn.'' ayay tiri ''Hooyaday waxay ahayd geesiyad, aad ayaana ugu xiisi doonnaa.'' Warbixin ay si wada jir ah usoo saareen qoyska marwo Makki ayay ku sheegeen in xaalad kale oo xanuun badan ay la sooo daristay oo dhammaantood qalbi jab ku ridday. ''Inooma suuragelin inaan la joogno waqtiyadii ugu dambeeyay ee nolosheeda balse haatan waxaan niyadda ku dhisanaynaa in iyada iyo Yuusef isku meel joogaan,'' ayay yirahdeen qoyskeeda." https://www.bbc.com/somali/war-52791652 +health "Cudurka coronavirus: Maxay tahay dhirta artemisia ee ""lagu daweeyo"" Fayraska Covid-19?" "Bishii April ee sannadkan, dalka Madagascar ayaa soo jiitay indhaha caalamka ka dib markii uu shaaciyay in dhir maxalli ah uu kula tacaali doono Fayraska Korona. Madaxweynaha waddankaasi, Andry Rajoelina, ayaa shacabkiisa u ammaanay cabitaan ka sameysan dhirta loo yaqaan Artemisia. Illaa hadda ma jirto caddeyn muujinaysa in dhirtaasi - oo qeyb ahaan lagula tacaalo cudurka Malaariyada - ay wax ka tari karto fayraska Covid-19, sida ay shaacisay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO. Dhirta Artemisia ayaa asal ahaan ka timid qaaradda Aasiya, waxaana hadda ay ka baxdaa caalamka oo dhan gaar ahaan deegaannada kuleylka iyo qoraxda leh. Dadka Shiinaha ee xanuunnada ku daweeya dawo dhireedka ayaa muddo 2,000 oo sano ka badan ku dabiibi jiray cuduro ay duumada ama malaariyada ka mid tahay, waxayna sidoo kale u isticmaali jireen xanuun baabi'iye iyo qandho jebin. Shiinaha waxaa dawo dhireedkan looga yaqaan ""qinghao."" Madaxweynaha Madagacscar, Rajoelina, ayaa bishii April ee sannadkan sheegay in tijaabooyin la sameeyay ay muujiyeen in dawo dhireedka laga sameeyo Artemisia ay waxtar u leedahay bukaannada Covid-19. Sheegashadaasi ayuu markale ku celiyay bishan September. Balse ma jirto caddeyn si shaac-baxsan u muujinaysa arrinkaasi. Sidoo kale lama oga waxyaabaha laga sameeyay cabitaanka ay soo saartay Madagascar, inkastoo dowladda dalkaasi ay sheegtay in 60""% ay tahay dhirta Artemisia oo la farsameeyay. Dalkaasi ayaa sidoo kale billaabay soo saaridda kaabsool iyo dawo kale oo la isku duri karo, kuwaas oo hadda maraya heer tijaabo ah. Khubaro ka socota Jarmalka iyo Denmark ayaa tijaabo ku sameeyay dhecaanka dhirta Artemisia, waxayna sheegeen in ay ku arkeen in xoogaa waxtar ay u leedahay noocyada cusub ee Fayraska Korona. Waxay arrintaas ku ogaadeen tijaabo shaybaar. Cilmibaarista - oo aanay si madaxbannaan u hubin khubaro kale - ayaa muujinaysa in isticmaalka dheecaanka ay muujisay ka hortagga Fayraska, marka lagu daray maadada ethonal-ka oo saafi ah iyo biyo la miiray. Khubarada ayaa kala ka shaqeynaya Jaamacadda Kentucky, sidii mustaqbalka dawo dhireedka loogu tijaabin lahaa bani'aadanka. Shiinaha ayaa dhankiisa wado tijaabo u gaar ah oo ku aadan dawo dhireedka laga sameeyo artemisia Annua. Khubarada Koonfur Afrika ayaa dhankooda tijaabooyiin sheybaar ku sameeyay dhirta Artemisia Annua iyo nooca kale oo loo garanayo Artemisia Afra, si ay u xaqiijiyaan faa'iidada ay u leeyihiin Covid-19. Balse illaa iyo hadda ma jirto wax natiijo ah oo ka soo baxay tijaabooyinkaasi. Hay'adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtay in aanay weli macluumaad faahfaahsan ka helin tijaabooyiinka lagu sameeyay Madagascar. Jean-Baptiste Nikiema oo katirsan WHO qeybta Afrika ayaa BBC-da u sheegay in hay'adda caafimaadka ay ka qeyb qaadan karto tijaabooyinka dambe, balse ay taasi ku xiran tahay macluumaadka ay ka helaan tijaabooyinkii hore. Haddase, WHO waxay sheegaysaa in aanay jirin caddeyn muujinaysa in dawo dhireedka laga sameeyo Artemisia ay wax ka tari karto Covid-19. Maadaama dhirta Artemisia Annua laga sameeyo dawada cudurka Malaariyada, waxaa jiro walaac ah in haddii si aan la xakameyn loo isticmaalo ay xoojin karto difaaca ilma-qabata malaariyada. Waxaa jiro dalal ku yaal Koonfur-Bari Aasiya oo durbadiiba lagu arkay inuu yaraaday waxtarka ay dawada Artemisia u leedahay cudurka Malaariyada. WHO ayaa hadda ka digaysa isticmaalka dawo dhireedka artemisia ee aan lagu farsameyn warshadaha dawooyinka, iyadoo ka cabsi qabta in taasi ay horseedo in ay la qabsato ilma-qabatada Malaariyada." https://www.bbc.com/somali/war-54106332 +technology Burcadda Internet-ka oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Maraykanka "Dhammaanteen waan aragnaa codsiyo noogu soo dhaca kumbuyuutarrada iyo telefoonnada oo nalooga dalbanayo in ""Update ama cusbooneysiin diyaar tahay"", lana doonayo in aan ku dhufanno si uu u soo dago. Mar walba waa nalagu dhiirrigaliyaa inaan sidaas sameyno, maadaama cusbooneysiinta ay sii xoojiso amniga qalabka internetka ee aan isticmaalno iyo waliba in fayrasyada laga hortago. Sidaas darteed, mar ay farriin noocaasoo kale ah sannadkan gudihiisa usoo dhacday farsamayaqaannada IT-ga ee isticmaala adeegga shirkadda caanka ah ee lagu magacaabo SolarWinds, oo ah ku dhawaad 18,000 oo ka shaqeeya shirkadaha iyo xarumaha dowladda, ayey soo dajisteen iyagoo sidaas ugu wada cusbooneysiiyay qalabka xafiisyadooda. Laakiin waxaysan ka war qabin in cusbooneysiinta ay sameeyeen uu ku dhex lifaaqnaa qalab xogtooda xadaya oo ay si qarsoodi ah ugu soo dhex dareen qolyo burcadda internet-ka ah. Shirkadda SolarWinds lafteeda kama aysan warqabin arrintaas. Dhowr isbuuc xilligaas ka hor ayey shirkaddaas laga leeyahay Mareykanka bartilmaameedsadeen burcadda internet-ka, waxaana u suuragashay in ay qalabkooda ku dhex daraan hannaanka cusbooneysiinta software-keeda. Markii uu qalabka weerarka loo isticmaalayay toddobaadyo ku dhex jiray kumbuyuutarrada dadkii isticmaalayay adeegga ayaa mar qura lagu jabsaday xogta hay'adaha dowladda, kuwa tiknoolojiyadda iyo shirkadaha isgaarsiinta ee ku kala yaalla Waqooyiga Ameerika, Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe. Muddo dhowr bilood ah ayey burcadda falkaas ku kacday, oo aad loogu maleynayo in ay yihiin koox ka tirsan laanta internetka qaabilsan ee milatariga qaranka, awood u heysteen inay basaasaan xogna ka xadaa kumannaan hay'adood oo kala duwan. Cidda ugu weyn ee weerarkan ay dhibaatada kasoo gaartay, aadna loo rumeysan yahay in ay tahay bartilmaameedka ugu muhiimsanaa ee loo socday, waa dowladda Mareykanka. Wasaarado badan oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa xogtooda la jabsaday, waxaana ka mid ah wasaaradaha Maaliyadda iyo Amniga gudaha. Dowladaha adduunka ayaa hadda dedaal ugu jira sidii ay u damin lahaayeen qalabka shirkadda SolarWinds ee ay burcadda maamulanayaan. Cilmibaareyaal weerarkan dhinaca internet-ka ah ku magacaabay 'Sunburst' ayaa sheegay in ay sannado qaadan karto howsha lagu soo afjarayo weerarkaas oo ka mid ah kuwii ugu baaxadda weynaa ee dunida soo mara. Khubaradu waxay sheegeen in qolyaha weerarkan sameeyay ay ujeeddadooda ugu weyn tahay amniga qaranka ee dalalka ay bartilmaameedsadeen. ""Dowladaha ay saameynta gaartay waxay ku tartamayaan sidii ay u sameysan lahaayeen software difaaca, sidaas darteed waxay ka maarmi doonaan weerarrada xiriirka ah ee loo geysto shirkadaha adeegyada internetka bixiya oo muddooyinkii dambe ay burcadda aad u beegsanayeen,"" ayuu yidhi Jackie Singh, oo ah khabiirtii hoggaaminayay sugidda amniga dhinaca internet-ka ee ololihii doorashada Joe Biden. ""Haddiiba ay burcadda internet-ka awoodaan in ay qalabkooda ku dhex darsadaan adeegyada shirkadaha, oo waliba aan la fahmeynin, waxay marka dambe u dusi doonaan xogaha hoose ee dowladaha,"" ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Ma jiro dalab ay shirkadaha software-ka dadweynaha ugu jeedinayaan in ay iska indho tiraan soo dajinta cusbooneysiinta. Sababtoo ah dadka uu weerarka ku dhacayo waa dhif. Hase yeeshee, Brian Lord, oo ah ku xigeenkii hore ee agaasimaha laanta sirdoonka dhinaca internet-ka ee UK, ayaa sheegay in ""weerarkan oo ilaa hadda aan istaagin uu walaac abuurayo."" Waxaa sidoo kale laga walwal qabaa in loo dhaco xogta hay'adda sirdoonka qaranka. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, waxay burcadda falkan geysatay heleen xogta wasaaradda amniga gudaha ee ku saabsan ammaanka xuduudaha. Waxay khubarada ka walwalsan yihiin in hayadaha isgaarsiinta ee dowladda Mareykanka ay gali garaan halista ay ku jiraan shirkadaha gaarka loo leeyahay. Mr Lord, oo hadda maamula shirkad amniga internet-ka ka shaqeysa oo lagu magacaabo PGI ayaa yidhi: ""Waxyeelladan waxay gaari kartaa dhaqaalaheenna qaran iyo midka shakhsi ahaaneed, in la difaacana waa muhiim."" Ilaa hadda lama oga, waxaana laga yaabaa in aan waligeen naloo sheegin, nooca ay tahay xogta laga jabsaday dowladaha uu saameeyay weerarkan. Barfasoor Alan Woodward, oo cilmi baarista ka amniga internet-ka ka sameeya jaamacadda Surrey, ayaa yidhi: ""Kaddib dagaalkii qaboobaa ee dunida, kani wuxuu noqon karaa weerarkii ugu weynaa ee loo geystay dowladaha reer Galbeedka, inta aan ka war qabo."" Waxaa jiray weerarro kale oo lagu jabsaday xogta dowladaha, laakiin cilmibaareyaasha ayaa isku raacsan in kani uu ahaa weerarkii ugu weynaa ee dhaca muddo sannado badan ah gudahood. Barfasoor Woodward iyo dad kale oo badan oo isaga la mid ah waxay aaminsan yihiin in falkan uu u egyahay mid ay sameysay dowladda Ruushka, inkastoo hadda aan la xaqiijin karin arrintaas, ilaa baaritaanno badan la sameeyo. Khubaro kale oo uu weerarkan saameeyay ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay koox la yaqaanno oo ka tirsan dowladda Ruushka, oo lagu magacaabo Cosy Bear. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaase eedeymahan ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaa laga yaabaa in ay dhowr bilood qaadato inta uu Mareykanku ka jawaabayo dhacdadan, laakiin waxay u badan tahay haddiiba ay dowladda Mareykanka ogaato in Ruushka uu falkan geystay ay taasi horseedi karto cawaaqib adag. Marina Krotofil, oo ah farsamayaqaan ka hor taga weerarrada dhinaca internet-ka, horayna ugu shaqeyn jiray shirkadda FireEye, ayaa sheegay in weerarkan uu sii xoojin karo xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka. ""Sannadihii lasoo dhaafay, Mareykanku wuxuu cunaqabateyno xiriir ah kusoo rogay Ruushka, waxaana ka mid ah tii ugu dambeysay ee saameyneysay khubarada internetka wax ku xadda ee milatariga Ruushka. Arrintan ugu dambeysay waxay sii xoojin doontaa cadaawadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Ruushka, mustaqbalkana waxay abuuri kartaa isku dhacyo siyaasadeed,"" ayuu yidhi. Dhanka kale, waxaa suuragal ah in Mareykanka iyo xulafadiisa ay si hoose u aar gutaan, iyagoo adeegsanaya khubaradooda internetka wax ku dhaca. Weerarkan lagu magacaabay 'Sunburst' wuxuu horseedi karaa in ay isku sii xumaadaan dalalka iska soo horjeeda, ugu dambeynna wuxuu sababi karaa cawaaqib xumo aad halis u ah." https://www.bbc.com/somali/war-55318754 +politics Itoobiya: Madaxweynaha deegaanka Tigreega oo sheegay inuusan aqbaleyn wada hadal qarsoodi ah "Madaxweynaha deegaanka Tigreega ee dalka Itoobiya Dr Debretsion Gabra-Mikael ayaa sheegay wadahadal si qarsoodi ah loola yeesho TPLF inuusan xal u noqoneyn khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo deegaanka Tigreega, balse loo baahan yahay kulan wadatashi oo heer qaran ah in la qabto. Madaxweynaha deegaanka wuxuu hadalkaasi sheegay xilli uu magaalada Maqale uu kula kulmay hoggaanka diimaha iyo hoggaamiye dhaqameed u kala dabqaadaya dowlad deegaanka Tigreega iyo Dowladda dhexe oo uu soo kala dhexgalay khilaaf siyaasadeed oo xooggan. Warkan oo aan ka soo xigannay xafiiska isgaarsiinta deegaanka Tigreega ayaa sheegaya iney odayaasha labada dhinac u kala dabqaadaya ay ku baaqeen iney si degdeg ah labada dhinac wadahadallo ay khilaafka taagan xal ugu raadinayaan ay billaabaan, maadaamaa uu khilaafka cidna dan u ahayn. Guddoomiyaha xisbiga TPLF ahna madaxweynaha deegaanka Tigreega Dr Debretsion Gabra-Mikael oo amuurtan ka hadlay wuxuu sheegay iney wadahadal si qarsoodi ah ama si gaar ah loola yeesho Deegaanka Tigreega inuu xal noqoneyn. Balse loo baahan yahay qaybaha kala duwan ee ay quseyso khilaafka siyaasadeed ee dalka Itoobiya ka taagan laga qayb geliyo. ""Haddii loo baahan yahay in la qabto kulan siyaasadda oo kagu wadahadlo waa in kulankaasi lagu casuumo dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee dalka Itoobiya ka jira, balse ma aqbaleyno wadahadal gaar ah oo lala yeesho dowlad deegaanka Tigreega ama xisbiga deegaankaasi hoggaamiya ee TPLF wax micna ahna ma yeelaneyso"" ayuu yiri. ""Balse wadahadal in ugu dambeynti lagu fikiro waa wax wanaagsan, hasa yeeshee haddii ay jirto cid daneyneyso khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan in xal laga gaaro waa iney u fahmaan khilaafka inuu u dhaxeeyo qowmiyadaha iyo shucuubta Itoobiya iyo Xisbi loo dhisay si dastuurka ka hor imaadsan, mana ah khilaafka in loo arko mid ku kooban Deegaanka Tigreega"" ayuu yiri. ""Odayaasha iyo hoggaanka diimaha iney khilaaf dagaal horseeda ay ka hor tagaan aad ayey u wanaagsan tahay, balse waxay waanadaasi ku habboon tahay dowladda dhexe ee iclaamisay iney dagaal ku qaadeyso deegaan si dastuurka waafaqsan ugu dhawaaqay inuu qabsanayo doorasho u gaar ah"" ayuu yiri madaxweynaha deegaanka Tigreega Dr Debretsion Gabra-Mikael. Afhayeenka golaha Federeeshiinka ee dalka Itoobiya Khayriya Ibrahim ayaa sheegtay si ka baxsan dastuurka dowlad kelitalis ah oo dhismeyso maadamaa ay dooneyn iney garab u noqoto, iney rabitaankeeda xilki afhayennimo ee ay haysay ay uga tagtay. Khayriya oo ka hadashay xilka guddoomiyenimo iney ka tagto waxa ku kallifay: ""Koox kelitalis ah oo malinwalba dastuurka dalka ku xadgudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi"", ayey tiri. ""Dowladda talada dalka Itoobiya hadda hayso waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka ay isku laaqdo si ay u kororsato mudda xileedkeeda."" ""Si ka baxsan dastuurka oo aan horay looga baran dalka Itoobiya ayey isku dayayaan in qodobbada dastuurka loo macneeyo ama wax looga beddelo."" ""Arrimahaasi oo dhan oo ay dowladda waddo oo khalad ah, haddana mas'uuliyiinta rabitaanka dowladda ka horyimaadda waxay maalin walba la kulmaan hanjabaado joogta ah"" ayey tiri. ""Markaan noqonayey afhayeenka golaha Federeeshiinka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya waxaan ballan qaaday inaan dastuurka ixtiraamo isla-markaana aan ka shaqeeyo sidiI loo ixtiraami lahaa, marka dastuurka in lagu xadgudbo oo aan dowlad kelitalis ah oo dhismeyso aan garab u noqdo ma doonayo, sidaana ay xilka uga tagtay"" ayey tiri. Khayriya Ibrahim oo muddo laba sana ah soo ahayd guddoomiyaha aqlka sare ee dalka Itoobiya oo ka hadashay sababha ku kalliftay iney xilka ay haysay iska casisho, ayaa sheegtay talaabbada ay dowladda hadda jirto ku dhaqaaqday ay tahay mid ku xadgudbaysa awoodda xukun ee ay leeyihiin shucuubta iyo qowmiyadaha dalka Itoobiya. BBC oo iskudayday iney aqalka sare ka xaqiijiso xil katagista guddoomiyaha aqalka sare wuxuu goluhu sheegay inuu arrintaasi waxba kala socon. Ku xigeenka xiriirka dadweynaha ee aqalka sare Gabruu G/sillaase wuxuu BBC u sheegay inuu ka warhaynin xil katagista guddoomiyaha. Mr Gabruu wuxuu sheegay inuu warbaahinta kala duwan uu ka maqlay xil katagista guddoomiyaha golaha, balse weli xafiiska golaha wax codsi ama xog ah iney soo gaarin. Khayriya Ibrahim oo gudoomiye ka ahayd aqalka sare ee dalka Itoobiya ee loo yaqaanno golaha Federeeshiinka ayaa waxay ka tirsan tahay xisbiga talada deegaanka Tigreega haya ee TPLF iyada oo ka mid xubnaha guddiga fuulinta xisbigaasi. Iscasilaadda Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Itobiya Khayriya Ibrahim ayaa ku soo beegmaya xilli ay xildhibaannada ka soo jeeda deegaanka Tigreega ee ka tirsan aqalka hoose ee dalka Itoobiya ay shaly su'aalo kulul weydiiyeen ra'isal wasaare Dr Abiy Axmed ayna ku eedeeyeen iney dowladdiisa ay shacabka Tigreega gacan bidixeyso. Tani iyo inta uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Abiy Axmed waxaa soo taagneyd khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyey isaga iyo Mas'uuliyiinta sare ee deegaanka Tigreega iyo xisbiga talada deegaankaasi haya ee TPLF. TPLF waa xisbi ay leeyihiin qowmiyadda Tigreeda oo ka mid afarta xisbi ee ku bahoobay xisbiga PP oo horay loo odhan jiray EPRDF, waxaana TPLF lagu xusuustaa iney talada dalka Itoobiya ay soo hayeen ku dhawaad 26 sano, hogaamiyaha xisbiga TPLF wuxuu ahaa Ra'isal wasaarihi hore ee dalka Itoobiya ee geeriyooday Meles Zeenaawii. Xisbiga Tigreega iyo TPLF wuxuu soo billaabay marki Ra'isal wasaaraha ka soo jeeda ee qowmiyadda Tigreega loo doortay guddoomiyenimada xisbiga EPRDF uuna noqday Ra'isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Abiy Axmed marki xilka loo dhaariyey tallaabbooyinka ugu horreeyey ee uu qaaday waxaa ka mid ahaa inuu macabiista siyaasadeed uu sii daayo, cadaadiska shacabka lagu hayey la joojiyo, mucaaradka gudaha iyo dibadda ka dhaqdhaqaaqayey oo uu cafis u fidiyey kaddibna uu heshiis la galay iyo siyaasadda dalka inuu furfuro. Tallaabbooyinkaasi oo dhan ayey ka biya diideen xisbiga iyo deegaanka tigreega intaba sababahan soo socdo awgood: Abiy Axmed tallaabbooyinka siyaasadeed oo uu ku dhaqaaqay waxaa ka mid ahaa xisbiga talada dalka Itoobiya hayey ee EPRDF oo ku koobnaa qowmiyadaha afarta qowmiyadeed ee Oromada, Amxaarada, Tigreega iyo Shucuubta Koonfureed inuu ballaadhiyo oo uu ka dhigo xisbi qaran oo ay qowmiyadaha dalka oo dhan ay iskadhex arkaan. Wuxuuna diyaariyey nidaam siyaasadeed oo suuragelin kara qowmiyadaha Soomaalida, Cafarta, Gaambbeella, Beni-shaangul iyo Harari ay ku biiraan xisbiga cusub ee heer qaran ee PP. Xisbiga Tigreegana wuxuu tallaabbadaasi uu ku tilmaamay mid ka hor imaneyso mabaadiidi aasaasiga ee u yiillay xisbiga hoggaamiya dalka Itoobiya mideynta xisbiyadana ay ka horimaneyso nidaamka Federaaliga. Abiy Axmed oo aan u joojinin diidmada ka yimid xisbiga TPLF wuxuu meel mariyey mideynta 9 xisbi ee ka arrimineysay 9-ka deegaan ee dalka Itoobiya oo ay Soomaalidu ka mid tahay. Xisbiga TPLF ee Tigreega waxay diideen dib u dhigista doorashada guud ee ka dhici lahayd dalka Itoobiya. Wuxuuna xisbigu uu maamulka deegaanka Tigreega ay iisu diyaariyaan iney qabsadaan doorasha u gaar ah oo ay sugin xilliga ay qabsoomeyso doorashada dalka intiisa kale ka dhaceyso. Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya oo ka jawaabay hadalka ka soo yeeray TPLF waxay sheegeen sida uu dhigayo dastuurka dalka iyo sharciga guddiga doorashada lagu aasaasaya inuu deegaan uu iskii doorasho u qabsan karin. Abiy Axmed oo ka jawaabay mowqifka xisbiga TPLF uu iska taagay doorashada wuxuu sheegay ""deegaan inuu doorasha gaar ah uu qabsan karin, ciddi sidaa sameysana ay dowladdu ka qaadeyso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyada dastuurka dalka ka horimanaya."" ""Si ka baxsan dastuurka dalka Itoobiya u yaallo dhaqdhaqaaq kasta oo ka hormarinayo ay tahay khalad aad u weyn ayna xadgudub ku tahay shuruucda dalka iyo kan caalamka intaba.""" https://www.bbc.com/somali/war-53074640 +business Ganacsiga Hubka: Xaguu Sacuudiga ka helaa hubka ugu badan ee uu kula dagaallamo Yemen? "Xilli uu dagaalka ka socda Yemen sii galayo sanadkiisii hsnaad, tirada dhimashada ee dadka rayidka ahna ay sii kordheyso, dowladda UK ayaa la kulmeysa cadaadis xooggan oo ku saabsan hubka ay u dhoofiso Sacuudi Carabiya. UK oo kaliyana ma aha dalalka uu Sacuudiga ka helo hubka uu u adeegsado dagaalka Yemen. Halkan waxaan ku soo gudbineynaa toddobo su'aal oo jawaabahoodana lagu sharraxayo arrimahaas. Boqortooyada Sacuudiga ee saliidda qaniga ku ah waa waddanka ugu hub iibsashada badan guud ahaan caalamka. Sanadihii lasoo dhaafay wuxuu Sacuudiga horkacayay dagaal ay ujeeddadiisu tahay sidii looga adkaan lahaa kooxaha fallaagada ah ee ku sugan waddanka dariska la ah ee Yemen, oo ah dalka ugu saboolsan dunida carabta. Waddanka UK, oo sanadkii lasoo dhaafay isku tilmaamay inuu yahay dalka labaad ee ugu hub iibinta badan caalamka, wuxuu qiyaasay in wax ka badan 40% ka mid ah hubkiisa uu u dhoofiyo hal waddan oo kaliya, kaasoo ah Sacuudi Carabiya. Imaaraadka Carabta, oo Sacuudiga xulafo kula ah dagaalka ka socda Yemen, ayaa sidoo kale hub aad u badan ka iibsada UK, sida lagu xaqiijiyay warbixinta ay dowladda Britain soo saartay sanadkii 2019-kii. Tani waxay ka dhigan tahay in Mareykanka oo kaliya uu UK uga horreeyo gacansiga iibinta hubka ee adduunka. Dadka u dooda xuquuqda aadanaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka UK waxay su'aalo badan ka keeneen saameynta uu gacansiga hubka ee Britain - oo balaayiin gini ku kaca - ku leeyahay xaaladda ka taagan Yemen, halkaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay inay ka jiraan xasaradaha bani'aadannimo ee ugu xun caalamka. Sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobay, sida dadka rayidka ah ee ku dhintay dagaalka Yemen waxay ahayd 7,700 ilaa bishii March ee sanadkan 2020-ka. Inta badan dadkaas waxay ku dhinteen duqeymaha ay fuliyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga. Hay'adaha kale ee kormeerka waxay sheegeen tiro intaas aad uga sarreysa. ACLED oo ah hay'ad fadhigeedu yahay Mareykanka oo qiimeysa saameynta dagaallada waxay sheegtay in dad kor u dhaafaya 100,000 ay ku dhinteen Yemen ilaa bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, tiradaas dhimashadana waxay sheegeen in 12,000 oo ka mid ah ay yihiin dad rayid ah. Dhammaan shacabka ku dhintay Yemen waxaa noloshooda galaaftay weerarro toos loola beegsanayay, sida ay warbixinteeda ku sheegtay ACLED. Qiyaastii 80% ka mid ah shacabka Yemen - oo guud ahaan tiradooda ay tahay 24 milyan - ayaa u baahan gargaar bani'aadannimo iyo ilaalin. Carruur tiradooda lagu qiyaasay 2 milyan ayey heysaa nafaqo darro, waxaana ka mid ah 360,000 oo ay da'doodu ka yar tahay shan sano. Xagaagii lasoo dhaafay, ururrada xuquuqda aadanaha waxay door weyn ka qaateen amar maxkamadeed oo dowladda Britain looga hakiyay hubka ay u dhoofiso Sacuudiga, waxaana lagu khasbay inay xukuumaddu dib u eegto siyaasaddeeda ganacsiga hubka, si loo eego in dagaalka Yemen ""khalad weyn"" looga galay sharciga caalamiga ah. Kaddib muddo hal sano ah, dowladda UK waxay soo gabagabeysay qiimeyn ay xaaladda ku sameyneysay, waxayna ku dhawaaqday inay dib u billaabeyso iibinta hubka ay u dirto Sacuudiga. ""Sacuudi Carabiya ujeeddadeedu waa mid saxan, waxayna u hoggaansameysaa sharciga caalamiga ah ee bani'aadannimada,"" ayey tiri wasiirka ganacsiga caalamiga ah ee UK, Liz Truss, iyadoo hoosta ka xarriiqday fikirka dowladda ee ah inay jiraan ""dhacdooyin gaar ah oo khaladaad lagu sameeyay"". ""Dhacdooyinka ay suurtagalka tahay in lagu sameeyay xadgudubka waxay dhaceen waqtiyo kala duwan, waxaana sababay xaalado kala duwan,"" ayey ku tiri qoraal ay u gudbisay baarlamaanka. Haweeneyda ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha, Emily Thornberry, oo afhayeen uga ah arrimaha gacansiga ee caalamiga ah, ayaa go'aanka dowladda ku qeexday ""mid aan marmarsiiyo lahayd"", iyadoo sheegtay in tallaabadaas ay ceeb ku tahay ""sheegashada Britain ee ah inay difaacdo xuquuqda aadanaha"". Kooxda wadday ol'ilihii horseeday go'aanka maxkamadda ayaa sidaasoo kale ku doodayay. Hay'adda kormeerta waxyeellada rayidka kasoo gaarta duqeymaha xagga cirka ah ee laga fuliyo Bariga Dhexe, ee lagu magacaabo Airwars, oo uu fadhigeedu yahay UK, ayaa shaki ka muujisay saxnimada go'aanka ay dowladda UK ku taageertay howlgalka Sacuudiga. Waxay hay'addan sheegtay in UK qudheeda aysan xog la isku halleyn karo kasoo saarin duqeymaheeda dhinaca cirka, sidaas awgeedna aysan daacad ka noqon karin kuwa Sacuudiga ee ay xulafada yihiin. Mas'uuliyiinta ol'olaha ka dhanka ah Ganacsiga Hubka ee magaciisa loo soo gaabiyo (CAAT) ayaa sheegay in UK ay tan iyo sanadkii 2015-kii Sacuudiga u dhoofisay hub ku kacaya lacag dhan £5.3 bilyan oo gini. Dagaalka Yemen ayaa billowday isla sannadkaas. Waxay sidoo kale sheegeen in lacag kale oo dhan £1 biyan oo gini ay ku baxday hub muddadaas gudaheeda la siiyay dalalka kale ee khaliijka ee ay isbahaysiga yihiin Sacuudiga, kana qeyb qaadanaya dagaalka Yemen. Laakiin saraakiisha CAAT waxay sheegeen in lacagahaas aysan ku jirin hubka sida gaar gaarka ah looga iibiyay dalalkaas. Waxay isku darka lacagta ku baxday hubka ay Britain ka iibisay Sacuudiga iyo xulafadiisa tan iyo billowgii dagaalka Yemen ku qiyaaseen ugu yaraan £16 bilyan oo gini (oo ah lacag ka badan $20 bilyan oo doolar) Qandaraasyada dhinaca hubka ee ay Britain ka hesho Sacuudiga waa wax aad u yar marka lala barbar dhigo Mareykanka. Inkastoo 40% ka mid ah hubka ay soo saarto UK laga iibiyo Sacuudiga, haddana 73% ka mid ah hubka uu Sacuudiga gatay intii u dhaxeysay 2015-kii ilaa 2019-kii waxaa laga keenay Mareykanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay'adda caalamiga ah ee cilmi baarista nabadda (Sipri), oo fadhigeedu yahay magaalada Stockholm. Dalka labaad ee Sacuudiga Hubka siiya waa Britain oo ka iibisa 13%, halka Faransiiska uu yahay waddanka saddexaad oo ka iibiya 4.3% Fallaagada Xuutiyiinta ee dagaalka kula jira Sacuudiga iyo xulafadiisa waxaa la aaminsan yahay inay garab ka helaan dowladda Iiraan, inkastoo Tehran ay arrintaas beenisay. Kooxdan hubeysan ee ka dagaallameysa Yemen waxay ku gacan seyrtay inay heshiis xabad joojin ah la gasho isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Dominic Raab wuxuu dhawaan qoray maqaal lagu daabacay wargeyska Financial Times, kaasoo uu ku sheegay in dowladdiisa ay isku dayeyso sidii ay nabad uga dhalin lahayd Yemen ayna ka qeyb qaadaneyso dadaalka lagu sameynayo gargaarka bani'aadannimo. Isagoo ku baaqay xabad joojin qaran oo laga sameeyo Yemen, ayuu sheegay in Britain, Jarmalka iyo Sweden ay si wadajir ah u bixinayaan lacag dhan $365 milyan oo doolar, oo lagu kabayo howsha ay Qaramada Midoobay ka waddo waddankaas. Marka laga soo tago daacuunka ka dillaacay ee noqday kii ugu darnaa abid, waxay sidoo kale Yemen la dhibaatooneysaa cudurka Covid-19, xilli ay shaqeynayaan kaliya kalabar ka mid ah adeegyadii caafimaad ee dalkaas. Bishii April, Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inuu xabad joojin ka sameynayo Yemen, sababo ka xiriirka cudurka safmarka ah ee coronavirus. Laakiin Xuutiyiinta ayaa diiday inay dhankooda xabad joojin ka sameeyaan, iyagoo dalbaday in xayiraadaha dhinaca cirka iyo baddaba laga qaado magaalada caasimadda ah ee Sanca iyo magaalada dekedda leh ee Xudeyda. Haddi wali wuu taagan yahay ismariwaaga, Qaramada Midoobayna waxay ka digeysaa in burburka uu dagaalka sababay uu aad u yaraan doono marka la barbar dhigo waxa hadda la filan karo. Waxay hay'addu sheegtay in geerida ka dhalatay safmarka coronavirus ay ""ka badan karto marka isku daro dhimashada ay sababeen dagaallada, cudurrada iyo baahida Yemen ka jiray shantii sano ee lasoo dhaafay""." https://www.bbc.com/somali/war-53367195 +health Coronavirus: Ma run baa in 'dawada' corona lagu soo daray sun? "Xilli ay kiisaska cudurka coronavirus kusii fidayaan dalalka qaaradda Africa, waxaa soo baxaya warar la isla dhex marayo oo ku saabsan xanuunka, kuwaasoo la iskula wadaagayo baraha bulshada. Kuwo badan oo ka mid ah wararka la faafinayo waa xog been abuur ah. Waa kuwan qaar ka mid ah sheekooyinka sida weyn loo shaaciyay dhawaanahan. Waxaa internet-ka lagu baahiyay sheegasho ku saabsan in madaxweynaha waddanka Madagascar, Andry Rajoelina ay hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO usoo bandhigtay lacag dhan $20 milyan oo doolar, taas baddalkeedana ay ka dooneyso inuu sun ku daro dawo dhireedka laga soo saaray dalkiisa ee la sheegay in loo adeegsan karo cudurka Covid-19. Waa been abuur. Warkan oo si deg deg ah ku gaaray guud ahaan dalka Madagascar iyo meelo kale oo ka tirsan Afrika ayaa la xaqiijiyay inuu yahaymid aan sal iyo raad toona lahayn. Mr Rajoelina ayaa in muddo ahba dadaal ugu jiray inuu suuq geeyo dawo dhaqameed aan la ansixinin oo uu ku sheegay in lagu daweyn karo cudurka safmarka ah. Isbuucyadii lasoo dhaafay ayuu soo baxay warka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in madaxweynaha ay hay'adda WHO ugu yaboohday lacag fara badan, si ay uga dhaadhiciso inuu si qarsoodi ah sun ugu soo daro dawadaas. Warkan been abuurka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in WHO ay dooneyso inay caddeyso in dalalka Afrika aysan si iskood ah u soo saaran karin dawada Covid-19. Waxaa markii ugu horreysay xogtaas lagu soo saaray luuqadda faransiiska, waxaana lasoo dhigay barta Facebook. Boggaas oo dadka wax ku qora ay ku kala sugan yihiin dalalka Angola iyo DR Congo ayaa warkaas lagu soo bandhigay 23-kii bishii April. Markii dambe isla warkaas ayaa 14-kii bishii May lagu daabacay labo wargeys oo kasoo baxa waddanka Tanzania. Mid ka mid ah wararkaas ayaa sheegayay in madaxweyne Rajoelina uu qirtay arrintan - mar uu wareysi siinayay warbaahinta France24 - uuna caddeeyay in lacag loo ballan qaaday. Xilligaas wixii ka dambeeyay sheekadan way sii fidday, waxayna ku baahday baraha bulshada ee guud ahaan qaaradda Afrika. Waa run in Mr Rajoelina uu 11-kii May wareysi siiyay warbaahinta France24, laakiin ma jirin meel uu hal mar xitaa ku sheegay inay lacag ugu yaboohday hay'adda WHO. Mas'uuliyiinta WHO ayaa BBC-da u sheegay in sheekadaas ay tahay mid been abuur ah, sidoo kalena dowladda Madagascar way iska fogeysay. ""Tan iyo markii la daah furay dawada Covid-19, waxaa soo baxayay warar badan oo laga been abuurtay madaxweyne Andry Rajoelina"", ayey tiri Lova Ranoramoro, oo ah afhayeenka dowladda Madagascar. Dawada Covid-Organics ayaa wali laga soo saarayaa Madagascar, waxaana loo dhoofiyay dalal ka mid ah Afrika, si looga isticmaalo. Hase yeeshee wali lama hayo caddeyn dhinaca seyniska ah oo muujineysa inay dawadaas waxtar leedahay. WHO waxay sheegtay inay soo dhaweyneyso wax soo saarka salka ku haya dawo dhaqameedyada, laakiin waxay ka digtay dawooyinka aan la tijaabinin. War internetka lagu shaaciyay ayaa lagu sheegay in Wasiirka Caafimsaadka ee dalka Tanzania, Ummy Mwalimu, uu ku dhacay coronavirus. Waxaa sheegashadan barta Twitterka soo dhigay dad uu ka mid yahay wariye caan ah. Laakiin warkan run ma aha. Waxaa laga soo xigtay sawir ""screenshot"" ah oo lasoo dhigay Twitter-ka, kaasoo qofka soo dhigay uu sheegay inuu kasoo qaatay wasiirka qudheeda. ""Qoraal luuqadda sawaaxiliga ku qornaa - oo lagu sheegay inuu yahay warkii ay tiri wasiirka - ayuu micnihiisu ahaa ""Waa nasiib darro inuu igu dhacay coronavirus. Laakiin waan sii wadi doonaa shaqada, dagaalkana safka hore ayaan uga jiri doonaa ilaa inta ay xaaladdu ka fiicnaaneyso"". Hase ahaatee, qoraal noocaas ah lama soo dhigin barta ay wasiirka ku leedahay Twitter-ka. Wasiirka iyo wasaaradduba waxay warka noocaas ah ku tilmaameen been abuur. Sheegasho aan wax caddeyn ah loo heynin. Madaxweynaha Suudaanka Koonfureed Salva Kiir iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladdiisa ayaa la sheegay inay isticmaaleen kaarar xarig ku xiran oo qoorta la surto, kuwaasoo ka difaacaya inuu ku dhaco cudurka. Sawirro ay kooxda warbaahinta u qaabilsan madaxweynaha soo dhigeen Facebook-ga ayaa lagu arkayay isaga iyo saraakiisha kale oo xiran wax isku wada eg oo ay xirnaayeen. Laakiin wax caddeyn ah looma hayo in qalabkaas uu wato dawo cudurka ka hortagi karta. Markii ay BBC-da arrintan wax ka weydiisay mas'uuliyiinta dowladda Suudaanta Koonfureed waxay u sheegeen in qalabkaas ay u keeneen dad sheegay inay matalayeen dowladda Japan. Balse waxay sheegeen inay markii dambe xirashadooda joojiyeen, maadaama aysan ansixinin hay'adda WHO. Qalab noocaas ah ayaa lagu iibinayay meelo ka mid ah caalamka, waxaana sidoo kale xirtay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Ruushka. Farriin marin habaabin ah oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Tnzania John Magufuli uu mamnuucay in maaskaraatiga lagu xirto goobaha dadweynaha. Warkaas ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu sheegay in xirashada maaskaraatiga uu sii faafinayo cabsi, uuna farriin khaldan u dirayo dalalka kale ee caalamka, xilliga ay dhaqdhaqaaqyada isku furmaan. Dadka qoraalkaas faafinayay waxay adeegsanayeen sawir u eg in laga soo qaaday bogga uu madaxweynaha ku leeyahay Twiiter-ka, laakiin waa mid la been abuurtay. Waxaa kale oo la shaaciyay war-saxaafadeed uu isla qodobkaas ku sheegay madaxweynaha oo uu saxiixay isagoo ku sugan gurigiisa ku yaalla degmada Chato. Hase ahaatee, markii ay BBC-da damacday inay arrintaas xaqiijiso waxay ogaatay in madaxweyne Magufuli uu xilligaas ku sugnaa magaalada Dodoma. Afhayeen u hadlay madaxweynaha ayaa dadka u sheegay inay warkaas iska indha tiraan. Dowladda Tanzania waxay shacabkeeda ku dhiirrigalisaa inay maaskaraatiga xirtaan ayna kala fogaadaan. Dhanka kale, waxaa jirta in mas'uuliyiintu aysan si joogto ah usoo tabinin wararka la xiriira xaaladda cudurka, waxaana walaac laga muujinayaa in madaxweynaha uu iska sahlanayo saameynta fayraska." https://www.bbc.com/somali/war-52967870 +politics George Floyd: Saddex arrimood oo sharraxaya carada ka taagan dalka Mareykanka Qalalaase ayaa ka billowday magaalooyinka dalka Mareykanka kaddib markii uu George Floyd, oo African-American ah, ku geeriyooday gacanta booliska Minneapolis. Qaar ka mid ah shacabka ayaa wada mudaharaadyo rabshado la socdaan oo ay ku muujinayaan carada ay ka qabaan sida ay booliska dalkaas ula dhaqmaan dadka uu midabkoodu madowga yahay. BBC-da ayaa dib u eegis ku sameysay xogta ku saabsan dambiyada ka dhaca Mareykanka iyo laamaha caddaaladda, sidoo kalena waxaan milicsaneynaa waxyaabaha ay dadka madow ee Mareykanka ah la kulmaan marka ay timaado dhinaca sharciga iyo kala dambeynta. Isbarbardhig ku saabsan toogashooyinka ay booliska sameeyaan iyo kuwa dadweynaha dhexdooda ka dhaca. Dilalka loo geysto dadka Caddaanka ah ee Mareykanka:- Dilalka loo geysto dadka Madowga ah ee Mareykanka:- Dilalka loo geysto dadka Hispanic-ga ah ee Mareykanka:- Xogtan waxaa laga soo xigtay waaxda tirakoobka iyo xogta dhacdooyinka ee dalka Mareykanka. Macluumaadka la heli karo ee ku saabsan dhacdooyinka la xiriira toogashooyinka ay geystaan booliska waxay muujinayaan in dadka ugu badan ee gacanta ciidanka amniga ku dhinta ay yihiin kuwa madowga ah. Waxay Mareykanka madow toogashada booliska uga badan yihiin bulshooyinka kale ee ay waddankaas iskula nool yihiin. Sanadkii 2019-kii, inkastoo dadka madowga ah ay tirada shacabka Mareykanka ka noqdeen 14%(sida lagu muujiyay tirakoobkii rasmiga ahaa), haddana waxay 23% ka qaateen tirada toogashadii 1,000 ee ay sanadkaas booliska geysteen. Tiradaas waxay joogto ahayd ilaa sanadkii 2017-kii, iyadoo xilligaas wixii ka dambeeyay dhimashada dadka caddaanka ah ay hoos usii dhaceysay. Dadka madow ee Mareykanka ah waxay xarig dheeraad ah kula kulmaan isticmaalka daroogada, inkastoo tirakoobyada ku saabsan xogtaas ay aad isugu dhow yihiin. Sanadkii 2018-kii, qiyaastii 750 ka mid ah 100,000 oo kasta oo mareykanka madow ah waxaa loo xiray sababo la xiriira inay maandooriye isticmaalayeen. Tiradaas waxay ka badan tahay marka la barbar dhigo mareykanka cad. 350 ka mid ah 100,000 oo kasta oo mareykanka cad ah ayaa isla sanadkaas loo xiray arrimo ku saabsan isticmaalka daroogada. Daraasad hore oo lagu sameeyay xaddiga isticmaalka daroogada ee Mareykanka ayaa muujisay in si isku mid ah ay u isticmaalaan caddaanka iyo madowga, laakiin dadka madow ay la kulmaan xarigga ugu badan. Tirada dadka Mareykanka madow ah ee xabsiga lagu xukumo waxay shan jeer ku labanlaabmaan tirada dadka mareykanka cad ah ee xabsiga lagu xukumo. Waxay xitaa ku dhawaad labojibbaar ku yihiin tirada dadka Hispanic-ga mareykanka ah ee xabsiga lagu xukumo, sida laga soo xigtay xog dhawaan lasoo saaray. Sanadkii 2018-kii, Mareykanka madow waxay tirada guud ee shacabka dalkaas ka noqdeen 13%, laakiin waxay noqdeen saddex meelood meel ka mid ah maxaabiista Mareykanka. Mareykanka cad waxay maxaabiista ka noqdeen 30%, iyagoo xitaa tirada shacabka guud ka ahaa 60%. Taasi waxay ka dhigan tahay in 100,000 oo kasta oo ka mid ah maxaabiista Mareykanka ay in ka badan 1,000 yihiin dad madow ah. Dadka caddaanka ah ayaa 200 ka noqonaya 100,000 oo maxaabiis ah. Maxaabiista Mareykanka ee laga hadlayo waa kuwa lagu xukumay wax ka badan 1 sano. Tobankii sano ee lasoo dhaafay waxaa hoos u dhacday tirada dadka madowga ah ee xabsiyada loo diro, laakiin wali waxay ka badan yihiin dhammaan jinsiyadaha kale ee la xiran. https://www.bbc.com/somali/war-52898186 +entertainment Kangana Ranaut: Xiddigta dagaalka kula jirta Bollywood "Bollywood, oo ah shirkadda ugu weyn ee filimada dalka Hindiya, waxay ku jirtaa dhibaato. Dhibaatooyinkaas waxaa bartanka ka taagan Kangana Ranaut - oo ah atariisho 33 jir ah oo u muuqata inay dagaal la galeyso inta badan jilayaasha ay isla shaqeeyaan. Dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay, waxay dadka ugu sarreeya shirkaddaas ku eedeysay inay kala xigsadaan jilayaasha iyo inay geystaan xad-gudubyo dhinaca galmada ah. Si adag ayey u dhaleeceysay kuwo badan oo ka mid ah jilayaasha ay ka wada shaqeeyaan bollywood-ka, waxayna qaarkood ku tilmaantay inay daroogada isticmaalaan. Guud ahaan shirkadda Bollywood-ka ayey ku tilmaantay ""jiko dad gaar ah u shidan"". Ranaut waxay sheegtay in ""dhibaato badan loogu geystay shirkaddan, oo xitaa ay halis galiyeen dad isticmaala maandooriye"" sidaas darteedna inta ay iyada caqabadaha horyaalla iska leexineyso ay ""wadda u furi doonto dad badan oo kale"". Hase yeeshee dadka iyada lafteeda dhaleeceeya waxay sheegayaan in howsheeda oo dhan ay salka ku heyso dad siyaasiyiin ah oo soo adeegsanaya atariishadan. Waxaa la isla dhex marayaa warar ku saabsan inay qarka u saaran tahay ku biiritaanka xisbiga talada dalka Hindiya haya ee BJP, jilayaasha ay bartilmaameedka ka dhiganeysana ay yihiin kuwa kasoo horjeeda fikirkeeda siyaasadeed. Ranaut, oo lagu yaqaanno bandhigyadeeda awoodda badan, waxay ku guuleysatay abaalmarinno faro badan iyo billadda Padma Shri (oo ah abaalmarin ay bixiso dowladda), taasoo lagu siiyay kaalinta ay uga jirto filimada. Atariishadan oo mar walba ka sheekeysa noloshii adkeyd ee ay soo martay yaraanteeda waxay hadda leedahay magac weyn iyo malaayiin taageerayaal ah oo ku hala sugan Hindiya iyo daafaha caalamka. Waxaa lagu tilmaamaa inay tahay atariishada ugu kalsoonida badan, uguna guulaha badan jilayaasha shirkadda Bollywood-ka. ""Waa qof lagu bartay bandhigyo cajiib ah,"" ayey tiri Shailaja Bajpai, oo ah tifaftiraha website-ka ""The Print"". Sannadihii ay howshan kusoo jirtay Ranaut waxaa lagu yaqaannay inay si geesinnimo leh ugu hadasho dadka ay sheegto in laga gardaran yahay, sida ay sheegtay Bajpai. ""Waxay dagaal la gashay dad awood badan ku leh shirkadda filimada Bollywood-ka, sida Karan Johar, oo ay ku eedeysay inuu dadka kala xigsado; waxay sidoo kale meel fagaaro ah isku candhuufeen jilaaga caanka ah ee Hrithik Roshan, horayna ay filin isula soo sameeyeen, ayna ku tilmaanto inuu xiriir jacayl kasoo dhaxeeyay mar laakiin uu qof xun yahay."" Laakiin Roshan mar walba wuu beeniyaa inuu xiriir la wadaagay atariishadan. Xiisaddan waxay billaabatay bartamihii bishii June, kaddib geeridii doodda weyn dhalisay ee jilaagii lagu magacaabi jiray Sushant Singh Rajput - kaasoo meydkiisa laga helay gurigiisa. Booliska Mumbai ayaa sheegay in Rajput uu isagu isdilay. Ranaut waxay durba geerida atoorahaas u sababeysay kala xigsasho ka socota shirkadda Bollywood-ka, iyadoo sheegtay inay jiraan dad ku kallifay inuu isdilo. Waxay ku tilmaantay inuu ahaa qof shisheeye ka ah Bollywood-ka, sida ay iyada ahayd oo kale, qof u hiilliyana uu ka waayay. Dhowr isbuuc kaddib Rajput aabihiis ayaa dhiamshada wiilkiisa ku eedeeyay atariishada lagu magacaabo Rhea Chakraborty, taasoo uu sheegay inay lacagtiisa ka qaadatay kuna abuurtay walwal badan. Chakraborty way beenisay eedeymaha loo soo jeediyay oo dhan. Horaantii bishan ayaa xabsiga loo taxaabay atariishadan kaddib markii la sheegay inay maandooriyeyaal u iibisay Rajput, haddana waxaa ku socda baaritaanno ay wadaan saddex hay'adood oo ka tirsan dowladda. Chakraborty waxaa bartilmaameed ka dhigtay qaar ka mid ah suxufiyiinta ugu waaweyn dalka Hindiya iyo dadka caanka ka ah baraha bulshada, waxayna xuddun u noqotay hadalheynta ku saabsan geeridii Rajput. Ranaut iyadu waxay arrimahaas oo dhan dusha uga tuurtay guud ahaan shirkadda Bollywood-ka, waxayna sheegtay inay jiraan dhacdooyin kale oo sidaasoo kale loogu dulmiyay jilayaal soo baxayay. Iyada lafteeda ayey isku tilmaantay inay dhibbane u soo noqotay dadka awoodda ku dhex leh shirkadda filimada ee ugu weyn Hindiya. Wareysi ay telefishin siisay iyo barteeda Twitter-kaba waxay ku sheegtay in dadka dhibaatooyinkaas sameeya ay ugu horreyaan agaasime Karan Johar iyo Hrithik Roshan. Atariishada lagu magacaabo Sonam Kapoor ayey ku tilmaantay inay tahay burcadda bollywood-ka. Sidoo kale Urmila Matondkar ayey aflagaaddeysay. Atariishooyinka kale ee ay weerartay waxaa ka mid ah Swara Bhaskar iyo Richa Chadha. Markii ugu horreysay ee ay Kangana sheegtay in Bollywood ay ka dhex jirto kala xigsasho waxay ahayd sanadkii 2017-kii, tan iyo xilligaasna waxyaabo badan ayey ku weysay dagaalkaas. Shirkaddan ayaa ah meel ay kusoo hirtaan dhammaan dadka hal abuurka leh ee Hindiya iyo kuwa daneynaya xirfadda jilitaanka. Warbaahinta Hindiya ayaa sidoo kale kaalin weyn ka ciyaartay horumarka Bollywood, maadaama ay wararkooda iyo barnaamijyadoodaba xoogga ku saaraan madadaalada. Maalintii Sabtida, Deepika Padukone, oo ka mid ah atariishooyinka mushaarka ugu badan ku qaata Bollywood-ka aya looga yeeray xarunta xakameynta daroogada ee dowladda Hindiya, waxaana ku socda baaritaan ku saabsan in shirkadda dhexdeeda laga isticmaalo maandooriyeyaasha. Baaritaan kaas la mid ah ayaa ku socda atariishooyinka kale ee kala ah Shraddha Kapoor, Sara Ali Khan iyo Rakul Preet Singh. Dhammaan afartoodaba way beeniyeen eedeymaha loo heysto." https://www.bbc.com/somali/war-54346323 +health Xaaladda gabadha ayaa lagu sheegay mid aan la saadaalin karin "Xaaladda gabar Soomaali ah oo magaceedu yahay Faadumo Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo horay looga daweeyey cudurka Kaansarka oo kalliyaha kaga dhacay ayaa la sheegayaa inuu markale xanuunka uu ku soo laba kacleeyey. Xanuunkan oo loo yaqaanno ""Wilm's Tumo"" oo gabadha kalliyaha kaga dhacay oo ay la il darneyd tani iyo bishii February ee sanadkii 2021-ka, xilligaas oo ahayd markii ugu horreysay ee xanuunka lagu arkay. Aabbaha gabadha dhalay Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Maxamed, oo ku magac dheer ""Taataa"" oo BBC u warramay ayaa sheegay Gabadhan 5 jir oo horay xanuunka looga daweeyey inuu haatan cudurka ku soo noqday oo isbitaal ku yaalla magaalada Hyderbad caafimaadkeeda lagula tacaalayo. 25-kii bishan January oo ay gabadhu qaadatay dawadda irbadda ah ee lagula tacaalo xanuunka kaansarka oo loo yaqaanno Chemotheraphy balse ay maalmo kaddib xanuunsatay kaddibna dhakhtar loola cararay. ""Duhurki markay seexatay oo ay casarkii soo kacday waxay la soo kacday qufac yaryar ah xoogaha yar markay joogtayna uu qufaca ku saa'isay waxayna billaawday iney dhiig tufto kaddibna ay dhiig matagto. Qufaca iyo dhiiggana wey wada socdeen kaddibna isbitaalka ayaan ula cararnay,... baritaan marki ay dhakhaatiirtu u sameeyeenna waxay arken caabuq dhinaca sanbabbada ah kaddibna waxay seexiyeen qaybta la dhigo dadka ay xaaladdooda culus tahay ee ICU,"" ayuu yiri aabbo C/qaadir C/raxmaan. Dhakhaatiirtuna waxay sii wadeen baaritaanno kale oo ay ku ogaanayaan waxa sanbabka caabuqa (Infection) ku keenay iyo halka uu ka imanayo dhiigga ay gabadha matageyso kaddibna waxay ogaadeen inuu dhiigga ka imanayo sanbabka. ""Marki ay suuxiyeen kaddib sanbabkeeda dhacaan ayey ka qaadeen, dhacaanki ay ka qaadeen wuxuu soo saaray inuu sanbabka bidixda ah uu soo gaaray xanuunki tumor-ka ahaa saasauu xanuunki ugu soo laabtay dhinaca sanbabka bidixda ah, dhakhtarka la tacaalidda xanuunkan u qaabilsanna wuxuu ii sheegay in 2-da bishan ay u ballansan tahay in la saaro Iskaanki weynaa haddii ay xaaladdeedu fiicnaatana ay gurigeeda aadeyso."" Balse baaritaankan dambe ee ay dhakhaatiirtu gabadhan yar ee xanuunsan ay ku sameeyeen iyo natiijada ka soo baxday ayaa baddashay rajadi qoyska iyo dhakhaatiirti gabadha bukaanka ah gacanta ku haysayba. ""Run ahaantii rajo aad u weyn ayaan ka qabnay iney gabadhan xanuunka ay ka fiicnaaneyso laakiin waxwalba sida kale ayey maalmo gudahood isugu baddaleen rajada aan ka qabnay iney xanuunka ka kacdana aad ayey u weyneyd balse amar ilaaheey baa yimid, dhinacii kallida ee xanuunka waagi hore laga helay ama laga saaray maahee dhinaca kale oo isla bidixdii ah oo sanbabka ah ayuu hal mar tagay iyada oo dawada Chemotherapy qaadaneyso welina lala tacaalayo,"" ayuu yiri. Aabba C/qaadir wuxuu sheegay gabadha iney dhakhaatiirta u sheegeen suuxdinti ay geliyeen xilligi ay baarayeen sanbabka iney ka soo kacday balse weli maadaamaa uu oxygen ku xiran yahay ay dawooyin siinayaan si ay u huruddo oo ay dawooyinka isaga furan maadaamaa ay ilma yar tahay. ""Dhakhaatiirteedu waxay ii sheegeen sanbabka bidixda ah inuu dhiig ku furmayo uuna dhiig ku jiro marka waxay igu dhaheen 42 saacadood ilaa iyo 72 saacadood inta u dhaxeysa waxaan isku dayeynaa inaan dhiiggaasi si ku meel gaar ah u xakameyno oo aan u joojinno kaddibna leiser ayaan ku gubeynaa laakiin 72 saacadood haddii aan dhiigga celin weyno dhiigga wuxuu u gudbayaa wadnaheeda kaddibna ay xaaladdeedu sida hadda ay tahay"" ayuu yiri aabbo C/qaadir C/raxmaan oo BBC u warramay. Waxaa kale oo ay dhakhaatiirtu sheegeen gabadhu markii ay dhiigga matageysaa iney xaaladdeedu raja lahayd maadaamaa dhiigga uu ka soo baxayey balse hadda dhiiggi soo ixi lahaa uu ku submayo sanbabka gudahiisa taasina ay tahay xaalad daweynta gabadha sii adkeyneyso. Xaaladda xanuunka badan ee Faadumo Cabdulqaadir Cabdiraxmaan, oo 5 jir ah, ayaa soo jiidatay dad badan, iyadoo qalliin sanadki hore looga sameeyey isla-magaalada Hyderbad uuu muuqday mid soo wanaagsanaanayey. ""Faadumo waa gabadheyda curadda ah, bishii February ee sanadkan ayay ahayd, annagu markii hore ma aannaan ku ogeyn xanuunka, mana aannaan fahansaneyn. Subax unbay hooyadeed u sheegtay inay caloosha xanuuneyso. Dhakhtar jooga magaalada Goldogob oo ay ku nooleyd ayaan u geynay, baaritaan kaddibna wuxuu noo sheegay inay qabto nooc kansar ah oo waliba aad u weyn,"" ayuu yiri. Dhakhaatiirka qalliinki hore ku sameysay gabadhan oo ku sugan isbitaalka Yashoda ee magaalada Hyderabad ayaa xilligaasi sheegay in bukaanka ay ku taallay buro uu cibbirkeedu yahay 30x30x30 cm, sida lagu shaaciyay bogga Indianpharmapost buradaasi oo culeyskeedu ahaa 5 Kiilo. Markii isbitaalka la geynayayna ay ahayd mid aad u tabaryar oo marxalad adag ku jirta. Daweyn kaddib waxay dhakhaatiirtu ku sameeyeen qalliin lagu guuleystay oo looga jaray burada kaansarka inkasta oo xanuunka uu markale dib ugu soo noqday. Gabadha aabeheed, oo ku nool dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu qudhiisa xaalado adag ka maray arrinta qabsatay gabadhiisa curadda ah. ""Markii la ii sheegay in kansar laga helay gabadheyda, waxaan isu diyaarinayay imtixaan muhiim ah. Waxaan xasuustaa in aan saddex jeer ku dhacay imtixaankii, saddexda jeer oo kala duwanna waxaa saameyn igu yeelanayay go'aannada kasoo baxayay xaaladda caafimaad ee gabadha,"" ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/war-60218243 +politics Burcad hubeysan oo afduubatay arday dhiganaysay iskuul islaami ah Saraakiisha Nigeria ayaa sheegay in dabley hubeysan ay afduubteen arday badan oo dhiganayay iskuul Islaami ah oo ku yaal Nigeria - waana weerarkii ugu dambeeyay ee noocan ah ee lagu qaado iskuullada. Maamulka gobolka Niger ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dablay hubaysan ay gacanta ku dhigeen arday aan tiradooda la aqoon oo ka tirsan iskuulka ku yaal magaalada Tegina maalintii Axada. Macallin ayaa u sheegay BBC-da in 150 arday la la'yahay, halka warar kalena ay sheegayaan in tirada ay gaareyso illaa 200. Afduubyada madaxfurashada lagu raadinaya ayaa ku soo badanaya gobollada woqooyi. Bishii Febraayo ku dhowaad 300 oo gabdhood ayay rag hubeysan ka kaxeysteen iskuul ku yaal magaalada Jangebe, ee gobolka Zamfara. Intoodii badnayd waa lasii daayay. Dhacdadan ugu dambeysay, goobjoogayaal ay soo xigatay shabakada wararka ee This Day ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay mootooyin ay soo weerareen magaalada kadibna ay rasaas ku fureen si aan kala sooc lahayn. Markii dadku kala carareen kooxihii weerarka soo qaaday waxay aadeen iskuulka islaamigaa ka dibna carruurta ayay la wareegeen. Iskuulka waxaa dhigta wiilal iyo gabdho, da'doodu udhaxeyso lix ilaa 18 jir. Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in laba qof la toogtay xilligi weerarka la soo qaaday, mid ka mid ah ayaa geeriyooday halka midka kalena dhaawac culus uu soo gaaray. Mana cadda in dadka la toogtay ay arday ahaayeen. Tiro dad ah oo gaari ku safrayay ayaa sidoo kale la afduubay. Weriyaha BBC-da ee Nigeria Mayeni Jones ayaa sheegaya in afduubka madax furashada uu ku soo batay guud ahaan Nigeria bilihii la soo dhaafay. Warkan ayaa sidoo kale imanaya maalin kadib markii la sii daayay 14 qof oo laga afduubtay jaamacad ku taal gobolka dariska la ah ee Kaduna. Tegina ayaa wax ka yar 20 daqiiqo u jirta magaalada Kagara, halkaas oo 27 arday laga afduubtay bishii Febraayo. Afduubka madax furashada lagu doonayo ayaa ku soo batay guud ahaan Nigeria bilihii la soo dhaafay. Tan iyo bishii Diseembar ugu yaraan lix afduub oo loo geystey ardeyda ayaa ka dhacay Woqooyi Galbeed iyo bartamaha Nigeria. In ka badan 800 oo arday iyo shaqaale ayaana la afduubtay. Afduubkii 2014 ee loo geystay 276 gabdhood oo iskuuley ahaa, ayaa ka dhacay magaalada waqooyi bari ee Chibok. Afduubka oo ay geysteen mintidiinta islaamiga ah ee Boko Haram ayaa soo jiitay indhaha caalamka ee weerarada lagu hayo iskuulada ku yaal Nigeria, laakiin weeraradii ugu dambeeyay waxaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen kooxo burcad ah. https://www.bbc.com/somali/war-57302618 +politics Maraykanka oo dalkiisa ka mamnuucaya TikTok iyo WeChat "Maraykanka ayaa maalinta Axadda ah dalkiisa ka mamnuuci doona baraha bulshadu ay ku wada xiriirto ee kala ah TikTok iyo WeChat, haddii aan wax iska baddalin go'aanka madaxweyne Trump oo uusan heshiis kama dambays ah qaadan. Wasaaradda ganacsiga ayaa sheegtay in dadka ku nool Maraykanka ay ka mamnuucayso in ay la soo dagaan barnaamijyadaas. Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegaya in shirkadahaan ay khatar ku yihiin ammaanka qaranka, isla markaasna macluumadka qofka barahaas isticmaalaya ay u gudbi karaan Shiinaha. Hase ahaatee Shiinaha iyo labadaas shirkadoodba way beeniyeen eedaymahaas. WeChat ayaa si rasmi ah maalinta Axadda ah looga xiri doonaa dalka Maraykanka, balse dadka ayaa wali sii isticmaali doona barta kale ee bulshadu ay ku wada xiriirto ee TikTok inta laga gaarayo 12-ka November, markaas oo si buuxda loo mamnuuci doono. Shirkadda TikTok ayaa sheegtay in arrintaas ay ""niyad-jab ku noqotay"" ayna is khilaafeen wasaaradda ganacsiga, ayadoo shirkaddu sheegtay in ay samaysay ""daahfurnaan heer sare ah"" walaaca uu qabo maamulka Trump awgiis. Tencent - oo ah shirkadda iska leh WeChat - ayaa sheegtay in xayiraadaha la saaray ay yihiin kuwo ""nasiib darro ah"", balse ay sii wadi doonto wada xaajoodka ay kula jirto xukuumadda Maraykanka ""si mustaqbalka arrintaa xal looga gaaro"". Amarka xayiraadda ah ee ay soo saartay wasaaradda ganacsiga Maraykanka ayaa daba-socda amar uu madaxweyne Trump soo saaray bishii August, shirkadaha Maraykanka ee bah-wadaagta la ah ayaa la siiyey muddo 45 cisho ah si ay u joojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin labadaas shirkadood ee Shiinaha laga leeyahay. Haddii sida la qorsheeyey ay heshiiyaan Shirkadda Maraykanka laga leeyahay ee Oracle iyo tan Shiinaha laga leeyahay ee ByteDance ee iska leh TikTok isla markaana uu heshiiskaa meelmariyo madaxweyne Trump, lama mamanuuci dooni App-ka TikTok. Mr Trump ayaa suxufiyiinta u sheegay Jimcihii in uu aaminsan yahay in heshiis ""dhakhso"" lala gaari karo TikTok, asagoo intaas ku daray in TikTok ay noqon doonto ""shirkad cajiib ah, oo aad caan u ah"" haddii nabadgelyo laga helo Shiinaha. ""Waxaan filayaa in dad badani ay sii faraxsanaan doonaan, balse waa inaan helnaa nabadgelyada aan u baahannahay"" ayuu yiri. Xoghayaha Wasaaradda Ganacsiga ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray sidaan ku yiri: ""Annagoo ku soconna amarka madaxweynaha, waxaan qaadnay tallaabo aan kula dagaallamayno xogta gaarka ah ee Shiinuhu uu ka aruursanayo muwaadiniinta Maraykanka."" Amarkan ayaa ka dhigan in laga bilaabo Axadda, aysan dadku isticmaali karin WeChat. Balse dadka TikTok isticmaala ay wali sii isticmaali karaan tan iyo inta laga gaarayo 12-ka bisha November ee sannadkan." https://www.bbc.com/somali/war-54214681 +health Daraasad lagu sameeyay caanaha naaska oo lagu ogaaday arrin walaac keentay "Waxyaabo yar yar oo caagado ah oo aysan indhahu qabaneyn ayaa markii ugu horreysay lagu arkay caanaha naaska hooyada, cilmi baarayaasha ayaa ka walaacsan suurtagalnimada ah in waxyaabahan ay saameyn ku yeellan karaan caafimaadka ilmaha carruurta yar yar. Baaritaan ayaa lagu sameeyay caanaha naaska hooyoyooyin gaaraya 34, kuwaas caafimad qabay isla markaana ku nool magaalada Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga. Caanihii naaska ee la baaray waxaa boqolkiiba 75 laga helay waxyaabo yar yar oo caag ah oo aysan idhaha qaban karin. In kasta oo dhallaanku ay si aad ugu nugul yihiin waxyaabaha kiimikada ah, haddana naasnuujinta waa habka ugu fiican ee quudinta carruurta yar yar. Arrintaa ayaana horseeday in cilmi baarayaashu ay sheegeen in baahi deg deg ah loo qabo in daraasad dheeri ah lagu sameeyo arrintaan muhiimka ah. Cilmi-baaris hore ayaa muujisay sida waxyaabahan yar yar ee caagga ah oo aysan idhahu u jeedi karin ay saameyn xun ugu leeyihiin unugyada banii'aadanka iyo xayawaanada badda iyo kuwa duurjoogta ah. Saynisyahanada cilmi baaristan ka sameeyay dalka Talyaaniga ayaa xusay in hooyooyinka ay nadaafad ahaan u adeegsadaan bacaha caagga ah, isla markaana hooyooyinka ay cunaan cuntooyinka badda oo ay ku jiraan cunto iyo cabitaanno ku jira baakadaha, si kastaba ha ahaate seynisyahanada ma aysan helin caddeyn muujineysa in wax xiriir ah uu ka dhexeeyo cuntooyinkan iyo waxyaabaha yar yar ee caagga ah oo il-maqabatada ah. Sidaa darteed, waxaa loo maleynayaa in banii'aadanka uu dhibaatooyin kala kulmi karo arrintaan.Waxaa laga yaabaa in daraasdo qoto-dheer ay faah-faahin ka bixiyaan halis gaar ah oo ku saabsan waxyaabahan. Waxaa daraasaddan lagu daabacay joornaalka cilmi baarista ku sameeya waxyaabaha yar yar ee caagga ah ee Polymers. Xilli ay la hadlaysay wargeyska The Guardian, Dr Valentina Notarstefano oo ka tirsan jaamacadda Marche Polytechnic, ayaa sheegtay in ""waxyaabaha yar yar ee caagga ah aysan indhaha qaban ee laga helay caanaha naaska ay sare u qaadday walaaca laga qabo caafimaadka dhallaanka ee aadka u nugul"". Waxay intaa ku dartay in faa'idooyinka ay aad uga awood badan yihiin dhibaatooyinka laga dhexlo waxyaabaha yar yar ah ee caagga ah ee aan ishu qaban karin ee loo yaqaanno microplastics. Valentina Notarstefano ayaa ku nuxnuxsatay in daraasadda aysan qeexeyn in caanaha naaska aan laga yareyn dhallaanka.Waxaa sare u kacay caagadaha la' isticmaalo ee lagu tuuro goobaha qashin qubka ah taasoo saameyn ku yeelata deegaanka. Dr. Notarstefano waxay ku baaqday in bulshada loo sameeyo wacyigelinta ku aadan sidii loo yareyn lahaa tuurista caagadaha iyo qashinka kale. Waxay sidoo kale uga digtay haweenka uurka leh inay ka fogaadaan cuntooyinka iyo cabbitaanada ku jira caagadaha, isticmaalka waxyaabaha la isku qurxiyo iyo waxyaabaha kale ee kimikada ah. Daraasad kale oo dhawaan lasoo saaray ayaa shaaca ka qaaday in dhallaanka lagu quudiyo masaasadda ay u badan tahay in maalin kasta ay liqaan waxyaabaha yar yar ee caagga ah ee aaney ishu qaban. Daraasad lagu sameeyay dalka Netherlands bishii March ayaa lagu sheegay in waxyaabahan laga helay dhiigga banii'aadanka." https://www.bbc.com/somali/articles/c2eq3eel6p4o +health Dawada COVID-19: Tani ma laga yaabaa inay noqoto dawada fayraska Korona? "Mudo sanad ah oo gaw ah ka dib markii la helay dawooyinka jaban ee la yidhaa steroid ee ka hortaga dhimashada Covid, cilmi baadheyaashu waxay sheegeen in ay heleen dawo kale oo nolosha badbaadin karta. Waa qaali, waa irbad xididada laga qaado oo viruska curyaaminaysa oo aanu dhaawici karin habdhiska difaaca jidhka ee uu kaga faceliyo wayeelada cudurka. Natiijada ka soo baxday tijaabada ayaa muujinaysa in ay caawin karto sadaxdii qof ee isbitaal u jiifa xaaladaha culus ee covid midkood. Boqolkii bukaana ee lagu daweeyey ba waxay khubaradu ku xisaabiyeen in lix ka mid ah ay badaadin karto. Laakiin dadka aan jidhkoodu wali samaynin antibodies uu kula digaalamo fayraska ayaa dawadaa la siin doonaa waxaanay qiimaheedu yahay inta u dhaxaysa 1,000 ilaa 2000 oo gini. Kimberly Featherstone oo 37 jir ah oo dawadaa la siiyey ayaa tidhi ""waxaan dareemayay in aan aad u nasiib badnaa intii ay tijaabadu socotay markii dhakhtarka la I geeyey anoo qaba covid-19 ee aan awooday in aan ka kaco markaan dawadan muhiimka ah qaatay. ""Waan ku faraxsanahay in aanka qayb glaay oo aan ka mid ahaa in dawadaa helideeda lagu guulaysto"" Dawada oo ay samaysay shirkada Regerson ayaa fayraska isku xidhxidhaysa si ay uga joojisay inuu unugyada wax yeelo. Tijaabada oo ay ku jireen qiyaastii 10,000 oo bukaana oo jiifa isbitaalada Ingiriiska ayaa aad hoos ugu dhigtay Baadheyaashaa ninka u hormoodka ah Sir Martin Landray ayaa yidhi ""in dadka la siiyo isku dhafkan labada antibody ee laga qaadanaya xidida ay hoos u dhigaysa fursada qofku ku dhimayanaan shan goor. ""Waxaanu ogaanay in haatan aan adeegsan karano dawo fayraska lagaga hortago hadii antibodies-ka aanu bukaani lahayn saddexdii qofba midkood ayaa halista uu ku dhiman karo laga hortagi karaa"" Dawada waxa bukaanka loogu daray dawada kale ee la yidhaa dexamethasone oo iyaduna gaarkeeda hoos u dhigta qiyaastii saddex goor halista qofka aadka ugu buka covid ugu dhiman karo. Sir Peter Horby oo ah cilmibaadhyeaasha hormoodkooda ayaa sheegay in ay jirto hubanti la'aan weyn oo ku saabsan daawaynta antibodies in ay sax taxay madaama oo darasaad kale muujiyeen in aanay wax faa'iido ah lahayn. In la istimaali dhiga dadka ka bogsaday cudurka oo uu ku jiro antibodies ee garan kara inay la dagaalamaan fayraska ayaan ilaa haatan wax tarkeeda la ogaanin tusaale ahaan. Laakiin daawaynta antibodies ee tijaabada hordhaca ah loo adagsay ee lagu sameeyey shaybaadhka waa wax fiican oo wax lagaga qaban karo safmarka fayraska. Peter wuxuu yidhi ""waa wax xiise leh in la ogaado horumarkan laga gaadhay taaladida cudurka Covid-19 oo in fayraska si gaara loo beegsado waxay yarayn kartaa dhimashada bukaanka jidhkoodu soo saari kari waayo antibody uu iskaga difaaci lahaa." https://www.bbc.com/somali/57507577 +health Halista caafimaad ee 'Cholestrol' iyo sida looga hor tegi karo "Cilmi baadhis la sameeyey ayaa ku talisay in ay lagama maarmaan tahay in qofku marka uu gaadho dhawr iyo labaatan jir bilaabo in uu iska baadho xaddiga Cholestrol-ka (dufanka dhiigga ku jira) si ay u fududaato in la sii ogaan karo cudurrada halista ah ee wadnaha ee qofkaa ku dhici kara. Sida ay sheegtay daraasaddaa cusubi, la socodka heerka xaddiga Cholestrol-ku waxa faa'iidadeedu tahay in laga go'aan gaadho in ay suurto gal tahay in cudurada wadanaha iyo faaligga ku dhufta maskaxdu ay ku dhici karaan qofka inta uu nool yahay. Daraasaddan oo ay baahisay majallada Lancet ee arimaha caafimaadku, ayaa lagu sheegay in ay tahay tii ugu ballaadhnayd ee ilaa haatan la fuliyo. Maadaama oo lagu darsay muddo tobanaan sano ah halista caafimaad ee xaddiga Cholestrol-ka ee qofka dhiiggiisa ku jirtaa ay u keeni karto inta uu nool yahay. Dawo-dhireedka kansarka ""waxay sababaan dhibaato caafimaad"" Maxaa ku jaban in dhiigga la bixiyo? Cilmi baadheyaashu waxay sidoo kale intaa ku dareen in hadii goor hore la ogaado xaddiga Cholestrol-ka ee dhiigga qofka ku jira ay fududahay in tallaabo hoos loogu dhigayo qofku qaadi karo. Kuwaas oo kala ah in uu qofku qaabka cuntadiisa wax ka bedeli karo iyo sidoo kale dawooyin, waana arin mudan in aan dib loo dhigin. Cholestrol-ku waa dux ku jirta cuntooyinka qaarkood sidoo kalena waxa soo saara beerka oo dhiigga ku dara. Maadadan qofku wuu u baahanyahay oo waxay ka kaabtaa in jidhku soo saaro walxaha kiimikaad ee ay ka midka yihiin Oestrogen iyo Testosterone iyo sidoo kale Fiitamiin D. Cholestrol-ku wuxu u kala baxaa laba nooc: Cholestrol-ka cuffan (HDL) oo lagu tilmaamo ka 'fiican' sababta ka fiican loogu tilmaamayna waxa weeyi inuu jidhka ka caawiyo caafimaad qabkiisa guud. Cholestrol-ka khafiifka ah (LDL) oo lagu tilmaamo ka 'xun' sababta ka xun loogu tilmaamayna waxa weeyi in uu xididada dhiigga xannibo. Brofesoor Steven Blankenberg oo ka mid ahaa hormoodkii cilmi baadhista, kana tirsan mac-hadka caafimaadka wadnaha ee jaamacadda Hamburg ayaa sheegay in '' halbeegga haatan loo adeegsado xaddiga Cholestrol-ka halista ah uu yahay marka qofka la siiyo dawooyin hoos loogu dhigayo xaddiga, laakiin uu sidoo kale ku haboonyahay in lagu qiyaaso halista cudurrada wadnaha ee qofka ku dhici karta 10 sano ee soo socda"". Waxa iyadna jirta in qiyaastii sideed milyan oo qof oo ku nool dalka Ingiriisku ay qaataan irbadaha Estatin ee hoos u dhiga Cholestrol-ka xun. Hase yeeshee qasab ma aha in qof kasta oo Cholestrol-ka qabaa uu qaato irbadahaas, dhakhaatiirtuna kulama taliyaan qof kasta in uu irbadahaas qaato. Borofessor Blankenburg oo BBC-da la hadlayey ayaa yidhi '' waxaan aad ugu la taliyaa dhalinyarada in ay la socdaan xaddiga Cholestrol-ka ee dhiigooda ku jira iyo in ay go'aanno haboon qaataan oo ay arintaa wax kaga qabanayaan oo ay ku jirto in ay irbadahaas qaataan"". Ma sidan baa loola dagaallamaa kansarka minka ee laaya dumarka Afrika? Waxaanu intaa ku daray in ay halis badan tahay in uu qofku ku kaaftoomo oo keliya irbadahaas oo aanu hab nololeed firfircoon oo caafimaadkiisa wax taraya ku dhaqmin, waxaanu farta ku fiiqay in aan weli la samayn daraasado lagu ogaanayo saamaynta taban ee dawooyinkaas caafimaadka qofka ku yeelan karaan marka uu muddo tobanaan sano ah isticmaalo." https://www.bbc.com/somali/50676591 +sports Maxamuud Cali “Tallaabadan waxay iga caawin doontaa inaan xulka qaranka Soomaaliya meel fiican gaarsiiyo” "Maxamuud Cali Maxamed wuxuu ka mid yahay ciyaaryahannada xulka qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya ee lagu naaneyso Xiddigaha Badweynta. Maxamuud inta uusan dhawaan ku biirin kooxda Southport FC oo ka ciyaarta horyaalka National League ee ka dheesha heerka lixaad ee hannaanka kubadda cagta ee Ingiriiska, wuxuu u ciyaari jiray kooxda Curzon Ashton Football Club ee ka dhisan gobolka Manchester ee waqooyiga Ingiriiska. Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyey laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheeagay in uu aamisanyahay in ku biiristiisa kooxda Southport ay shakhsi ahaan mustaqbalkiisa wax weyn ka badeli doonto, maadaama kooxda Southport ay tahay koox weyn oo taariikh leh. ""Southport FC waxay iila muuqataa in ay tahay koox hore u socota, waxay heleen dhaqaale, waxayna isku dayayaan inay soo urursadaan ciyaartoyda horyaalka ugu fiican sida aniga Maxamuud Cali ah."" ayuu yiri Maxamuud. Maxamuud waxa uu ku rajo wayn yahay inuu guul gaarsiin doono kooxdiisa cusub sidoo kalana uu gaarsiiyo tartamo waa weyn oo ay guulna ka soo hooyaan. ""Insha ALLAAH, sanadka hadda soo socda, waxaan rajeynaynaa inaan horyaalka ku guulaysano, oo koobab uu ka mid yahay FA-ga aan qaadno, marka mustaqbal fiican ayaan rajeynaynaa."" Maxamuud waxa uu ku tala jiraa inuu ka faa'iidaysto fursaddan cusub ee uu helay, islamarkaana uu soo bandhigo xirfad heersarreysa, taas oo uu ku hamminayo inay gacan siin doonto xulkiisa Soomaaliya. ""Naadiga Southport wax badan ayaan ka faa'ideysan doonaa, taageerayaal badan ayey leeyihiin, cadaadis badanna wuu jiraa, asbuuckasta waxaa nagala rabaa inaan badino, waxaan kaloo uga faa'idaysan karaa qarankeyga [Soomaaliya], waxaana rajeynayaa inaan kula guulaysto wadankeyga wax badan."" ayuu yiri Maxamuud. Maxamuud Cali Maxamed ayaa waxa ay wadadhasheen Axmed Cali Maxamed oo ah kabtanka xulka qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya, iyadoo Axmedna uu u ciyaaro kooxda Halesowen Town ee ka dhisan gobolka West Midlands ee bartamaha England. Maxamuud & Axmed intii ay u ciyaarayeen xulka Xiddigaha Badweynta waxa ay qayb ka ahaayeen kooxdii taariikhda dhigtay ee Soomaaliya u sahashay in markii ugu horreysay ay ku guulaysato ciyaar ka tirsan isreebreebka Koobka Adduunka, ka gadaal markii lugtii koobaad ee isreebreebkaasi ay 1-0 Zimbabwe ay uga adkaadeen, kulankaasi ayaa Maxamuud wuxuu noqday xiddiga ciyaarta, walow lugtii Soomaaliya laga badiyay laguna reebay farqi dhinaca goolasha ah. Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey soo kordhayey ciyaartoyda Soomaalida ah ee ku biiraya kooxaha heerarka kala duwan ee ka dhisan qaarada Yurub iyo dalal kale oo caalamka. Arrintaasi ayaa la sheegay inay qayb lixaad leh ka qaadatay dedaallada lagu doonayo in lagu horumariyo xulka qaranka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo waliba guud ahaan heerarka kala duwan ee kubadda dalka. Kooxdan cusub ee uu ku biiray Maxamuudna waxa ay ku dhiirigelisay inuu farriin adag u diro ciyaartoyda kale ee xulka qaranka Soomaaliya, dhalinyarada Soomaaliyeed ee ciyaaraha xiiseeya iyo waliba waalidinta sidii ay ugu dhiirigaliyeen lahaayeen ilmahooda sidii ay heer uga gaari lahaayeen kubada cagta. ""Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo ciyaartoyda doonaysa in ay matalaan xulka kubadda cagta ee qaranka waxaa looga baahan yahay asluub iyo inay sameeyaan tababar joogta ah, waayo inaad qarankaaga matashaa waxay u baahan tahay dedaal, waana nasiib inaad heshaa fursaddaas, waalidka qudhiisa waxaa saaran masuuliyaad ah inay la dedaalaan dhalinyarada oo ay taageeraan, tan kale dhalinyarada waxaan leeyahay haddii ay kugu dhacdo in macalinku [tababaraha] uusan kugu qancin waxba ha niyad jabin waayo waxaa laga yabaa in macalin kale uu kaa helo marka niyad jab lama rabo, waana in aad dadaashaan oo aad aad u shaqeysaan""." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-53060063 +health Haweeney 73 jir ah oo ilmo mataano ah dhashay "Haweeney 73 sano jir ah oo ku nool gobolka Koonfurta dalka Hindiya ee Andhra Pradesh ayaa dhashay laba caruur oo mataano ah. Caruurtan oo gabdha ah ayay dhaqaatiirtu shegeen inay aaminsan yihiin in sababtu ay tahay in la bacrimiyay oo shahwada ninkeeda lagu beeray minka haweeneyda. ""Hooyada iyo caruurta ba aad bay u wanaagsan yihiin"", sidaas waxaa BBC-da u sheegay dhaqaatiirta haweeneydani. Haweeneyda caruurta dhashay oo lagu magacaabo Mangayamma Yaramati ayaa sheegtay in iyada iyo seygeyda oo da'diisu ay tahay 82 jir ay marwalba ku han-weynaayeen inay caruur helaan, balse taas aysan horay u dhicin. ""Aad ban ugu faraxsanahay,"" ayuu yiri seygeyda Sitarama Rajarao oo la hadlayay BBC-da saacado un kadib markii ay caruurtu dhasheen. Hasayeeshee maalin kadib, "" ayaa waxaa ku dhacay xanuunka jeex qalalaka ama Stroke loo yaqaano, waxaana haatan lagu daweynayaa isbitalka. ""Waxba gacanta noogu ma jira anaga,wixii qoran way dhacayaan, waxwalba Allaah ayaa gacanta ku haya"", ayuu raaciyay oo mar wax laga weydiiyay cida xanaaneyn doontaa haddii ay wax dhacaan, maadaama labadooduba ay da'da ka daba timid. Lamaanahan oo aan horay wax caruur ah u helin ayaa sheegay in tani ay muhiim u tahay noolashooda, maadaama ay dhaga-hadal kala kulmeen bulshada ku nool tuulada ay degan yihiin. Yaramati ayaa sidoo kale sheegtay in loogu yeeri jiray haweeneydii aan caruurta lahayan, taas na ay xanuun badan ku reebtay iyada iyo seygeeda. ""Dhowr jeer ayaanu isku daynay in aan caruur helno oo dhaqaatiir badan ayaanu aragnay, balse nooma aysan suurta gelin, hadda oo aan helnay na waa farxadda ugu weyn noolasheyda"", ayay tiri. Gabdhaha mataana ayaa ku dhashay qaab qalliin ah, taas oo la sheegay inay tahay mid caadi ah, maadaama hooyada ay tahay qof waayeel ah. Arrintan oo kale ayaa waxaa ay horay uga dhacday dalka Hindiya sanadkii 2016-ka, xiligaas oo haweeney 70 sano jir ah ay dhashay wiil." https://www.bbc.com/somali/49619574 +politics Cameron Herrin: Maxaa hadda loo hadal hayaa quruxlowgan la xukumay? "Waxaa dib u soo laba kacleeyay baaqyo ku aaddan in xukunka laga khafiifiyo Cameron Herrin oo 21 jir, kaasoo hadda gudanaya xabsi muddo dheer ah. Ninkan oo dadka qaar ay u bixiyeen ""quruxlowgii xabsiga loo taxaabay"" ayaa lagu helay dembi ah in sanadkii 2018 uu gaari jiirsiiyay haweeney iyo gabar yar oo ay dhashay. Bishii April ee sanadkan ayaa lagu xukumay 24 sano oo xabsi ah. Xukunkaas kadib, waxaa baraha bulshada, gaar ahaa TikTok qabsaday muuqaal laga soo duubay maxkamadda xilliga xukunka lagu ridayay. Malaayiin qof oo u badan hablo ayaa xilligaas niyad jab iyo loo-qaadan waa ka muujiyay xukunka ninkaas, iyagoo inta badan aragtidaas ku salaynayay wejigiisa qurxoon. Hadda, waxaa markale bilowday olole inta badan ka socda Twitter oo lagu dalbanayo in xukunka laga khafiiyo Herrin. Shirkadda Twitter ayaa dhankeeda bilowday inay hawada ka saarto cinwaano ay uga shakiday inay yihiin si otomaatik ah ay mashiinno u soo dirayaan, isla markaana lagu marin habaabinayo dadka. Waxaa fekerkaas qaba khubaro ay kamid tahay Dr. Loni Hagen oo bare ka ah kuliyadda tiknoolajiyadda ee jaamacadda South Florida. Ujeedada laga leeyahay baaqyadan iyo hashtag-ga #JusticeForCameronHerrin ayaa la sheegay in ay tahay in dib loogu soo celiyo hadal-haynta ninkaas xukuman. Gabdho badan oo ka fal celiyay xkunka lagu riday Cameron Herry ayaa sheegay inuu yahay quruxlow aan u qalmin in xabsiga la dhigo, iyadoo qaarkood ay si kaftan leh u sheegeen inay booskiisa ku beddeli lahaayeen 10 wiil oo Soomaali ah. Gabdhaha qaar ayaa ku kaftamay in tani ay jawaab u tahay sida ay dhawaan wiilasha Soomaaliyeed uga daba dhaceen fannaanada reer Sudan Nada Al Qala. Waxaa jira gabdho kale oo feker kaas ka duwan qaba, sida Khayriya Bintu Siciid, waxay tiri: ""Wiil Soomaliyeed ayaan tageera war gabdhaw iska daaya wiilkaas xitaa hadaad jeclayn heli maysaan raggeennii Soomaalida ahaa geesiyaasheenii ba buuxa."" Hibak Axmed ayaa iyaduna tiri, ""Mid aan ogahay oo Soomaali ah kama qurux badna marka laga reebo timaha xataa qoorta dheer iyo hab labiskiisa."" Qoyska Herrin ayaa sheegay inay iibiyeen gurigooda si ay u helaan lacag ay siiyaan qoyska dhibbanayaasha. Baarayaasha ayaa sheegaya in Herrin uu gaariga ku waday xawaare dhan 100 mayl saacaddii markii uu jiirayay Jessica iyo gabadheeda." https://www.bbc.com/somali/war-58023311 +health Dadka bani'aadamka sida loo maleynayo ma ka daacad san yihiin? "Dhowr sano kahor shirkad sameysa daraasadaha ayaa u kuura gashay bal inay ogaatao daacadnimad dadka bani'aadamka. Baaritaanka oo laga sameeyay fagaarayaal kala duwan oo ku yaala magaalooyin dalka Hindiya ayay shirkadda ka soo heshay 400 oo ah boorsooyinka la gashado kaararka, lacagaha iyo aqoonsiyada ee jeebka lagu qaato. Goobahan oo kala ah bangiyada, huteelada, saldhigyada booliska, xafiisyada boostada iyo maxkamadaha ayay dad badan ku hilmaameen boorsooyinkaas, kuwaas oo baaritaan laga sameeyay. Shaqaalaha shirkadda daraasadda sameysay oo gacanta ku dhigtay boorsooyinkaas iyo alaabtii ku jirtay ayaa gacanta ka saartay wardiyeyaasha dhismayaasha ay ka heleen iyo dadkii ka shaqeynayay halka laga helay. Ragga baaritaanka sameeyay ayaa markii ay wareejiyeen alaabta, durbadii ba meesha isaga dhaqaaqay. Qaar ka mid ah boorsooyinka la helay ayaa waxaa ku jiray lacag lagu qiyaasay saddex doolar iyo kaarar ay ku qoran yihiin ciwaanada dadkii ay ka lumeen. Isla kooxdii soo heshay boorsooyinkaas ee baaritaanka sameynayay ayaa waxay iska dhigeen inay iyagu leeyihiin, waxayna dib ugu laabteen isla wardiyeyashii iyo dadkii ay u dhiibeen alaabtii ay soo heleen, si ay u ogaadaan dacaadnimadooa, iyagoona arrintaas u adeegsanayay baaritaankooda. Hasayeeshee waxaa daraasadda lagu ogaaday in dadkii ay alaabta u dhiibeen ay ahaayeen kuwa daacad ah oo aysan waxba kala bixin alaabtii ay u dhiibeen. Boorsooyinkas ayaa waxaa markii dambe dib loogu celiyay dadkii lahaa oo kala joogaa magaalooyinka Ahmadabad, Bangalore, Coimbatore, Hyderabad, Jaipur, Kolkata, Mumbai iyo Delhi ee dalka Hindiya. Arrinta se la yaabka noqotay ee aan marnaba la fileyn ayaa ahayd in boqolkiiba 43 boorsooyinkii lacagta ku jirtay dib loogu celiyay dadkii lahaa. Warbixinta daraasadda oo dhawaan la dabacay ayaa lagu ogaaday in dadka bani'adamka ay ka daacad san yihiin sida la moodayay. Alan Cohn oo ah khabiir darsa dabeecadaha dadka bani'aadamka, waxna ka dhiga jaamacadda Michigan ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in warbixinta ay muujineyso wax aan la fileynin. ""Marka dadku ay usoo jeedsadaan sidii ay wax ugu heli lahaayeen nidaaam daacaddnimada ka fog, damaca ah in wax la qiyaano waa uu bataa"". Ayuu yiri Alan Cohn. Magaalooyinka Koonfurta ee dalka Hindiya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ay dadku dib u celiyeen boorsooyinka lacagta ay ku jirto iyo kuwa faaruqa ahaa, oo waxay kala ahaayeen Bangalore (66%), Hyderabad (28%), halka magaalada kale ee Coimbatore ay iyaduna noqotay magaalada ugu badan ee ay dadku dib u celiyeen boorsooyinka aanay wax lacag ah ku jirin. Daraasadda ayaa sidoo kale muujineysa in dumarka ay ka daacad san yihiin ragga, oo dumar badan ayaa dib u celiyay boorsooyin ay lacag ku jirto iyo kuwa faaruq ah. Shirkadda daraasadda sameysay ayaa sidoo kale horay u sameysay daraasad tan oo kale, oo sanadihii 2013-ka iyo 2016-ka waxay 355 magaalo oo ku yaala 40 wadan ay ku daadiyeen 17 kun oo boorsooyin ah, oo ay ku jiraan lacag dhan min 14 doolar, waxaana dal walba laga bartilmaameedsaday 8 magaalo ee ugu weyn, waxaana soo baxday in dadka ku nool 38 dal oo ka mid ah 40 ka wadan ay intooda badan dib u celiyeen boorsooyinkii lacagaha ay ku jireen. jirtay. Dalalka ugu badan ee ay dadkiisu dib u celiyeen alaabihii lumay waxay kala ahaayeen Denmark (82%) iyo Switzerland (73%), halka dalalka ugu hooseyayna ay kala ahaayeen Peru (13%) iyo dalka Shiinaha (7%) oo ugu hooseeyay. Waxaa kale oo daraasadda lagu ogaaday in dadka ay kasii daacad san yihiin marka ay arkaan boorso aanay wax lacag ama manfac ah ku jirin. Haddaba daraasadda maxay muujineysaa? Daraasadan ayaa waxay muujineysaa in dadka ay ka damqadaan dadka kale ee ay alaabta ka lunto, wana taasi sabatay qaar badan oo kamid ah ay dib u celiyeen boorsooyinkii ay heleen iyo alaabtii ku jirtay. Dadka qaar ayaa sidoo kale aaminsan in dadka aanan dib u celinin alaabtii dadka kale ka lunta ee ay heleen laga yaabo in aysan daacad ahayn ama ay mashquul san yihiin, sidoo kalena laga yaabo in ay iska hilmaameen. Inkastoo adag tahay in qiimeyn lagu sameeyo daacadnimada dadka bani'aadamka ayaa hadana sanadkii 2015-ka, daraasad ay sameysay shirkad fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska waxaa lagu ogaaday in dadka ku nool dalalka Hindiya, Shiinaha, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ay yihiin kuwa daacadnimada ay ku yar tahay." https://www.bbc.com/somali/war-49055324 +sports Ciyaartooyda Muslimka ah oo loo oggolaanayo inay ciyaarta ku dhex affuraan Maamulka horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa ku dhiirageliyay garsoorayaasha ciyaaraha habeenkii in ay kabtannada kooxaha kala hadlaan sidii ay ciyaartooyda Muslimka ah u affuri lahaayeen inta ay ciyaarta socoto, sida uu baahiyay Sky Sports. 26-kii April, kulan dhexmaray kooxaha Leicester iyo Crystal Palace ayaa muddo kooban la hakiyay si fursad ay ku affuraan ay u helaan laacibiinta kala ah Wesley Fofana iyo Cheikhou Kouyate oo labaduba soonnaa. Goolhayaha Palace, Vicente Guaita ayaa muddo daqiiqad ka badan hakiyay kubad uu laadi lahaa, si labadaas laacib ay u affuraan kadibna ciyaarta u sii wataan. Labada kabtan ee kooxahaas ayaa arinkaa ku heshiiyay ka hor inta aanay ciyaarta billaaban. Waxaa la rumaysan yahay in dhacdadaas ay ahayd tii ugu horreysay ee taariikhda kulan Premier League ah loo hakiyo si ay u affuraan ciyaartooy Muslimiin ah oo sooman bisha Ramadhaan. Horyaalkaas ayaa waxaa ka ciyaara Muslimiin si wanaagsan diinta ugu dhaqma oo ay kamid yihiin Maxamed Salaax, Sadio Mané, Paul Pogba iyo kuwo kale. Kooxda Manchester United ayaa barteeda Facebook ku qortay in laacibka Paul Pogba uu sonnaa kulankii ay la dheeshay Roma ee ay 6-2 uga badisay, isla markaana uu affuray ciyaarta oo socota. Wesley Fofana ayaa ka mahadceliyay tallaabadaas, waxaana uu ku tilmaamay mid muujinaysa wanaaga kubadda cagta. Kulamada habeenkii la cayaaro ee Premier League ayaa inta badan ku soo beegma xilliga affurka. Laba todobaad ka hor, ciyaartooy dheelayay kulan ka tirsan horyaalka heerka labaad ee Turkiga ayaa daqiiqadii 11-aad fursad u helay in affuraan, kadib markii ciyaarta loo hakiyay dhaawac soo gaaray mid kamid ah laacibiinta. Ciyaarta oo u dhexaysay GZT Giresunspor iyo Ankara Keciorengucu ayaa waxaa la arkayay afar kamid ah ciyaartooyda Ankara Keciorengucu oo garoonka dhexdiisa ku cunaya timir iyo muus, halka goolhayahooda uu cabayay biyo. Ma aha markii u horreysay ee tan oo kale ay dhacdo. Sanadkii 2018, goolhayaha xulka kubadda cagta ee Tunisia ayaa iska dhigay inuu dhaawacmay si ay u affuuraan saaxiibaddiis. https://www.bbc.com/somali/war-56976727 +health """Hannaanka ragga ay isaga joojinayaan dhalmada wey ka fududdahay sidii hore""" "Hannaanka qalliinka ah ay maraan ragga doonaya inay iska joojiyaan dhalmada ayaa lagu soo warramayaa in uu fudud yahay isla markaana uusan halis ahayn, sida uu sheegay dhakhtar ku sugan UK oo dib u eegis ku sameeyay arrintani. Wuxuu soo jeediyay in macluumaadka ku saabsan hannaankan wax laga baddalo si dadka loogu wargeliyo badqabkiisa. Dhakhtarka wuxuu sidoo kale sheegay in ragga mara qalliinka ay isaga joojinayaan dhalmada uu qofka isku arkayo barar iyo xanuun laakin halistiisa ay tahay mid dhif ah. Kooxda, shaqadoodu aheyd inay baaritaan ku sameeyaan hannaanka oo warbixintooda ku soo badhigay magaalada Milan ee Talyaaniga ayaa hubiyay 94,000 habraac oo ku aadan caqabadaha lagala kulmi karo sida caabuq. Qalliinka noocan ah wuxuu qaataan 15 daqiiqo, waxaa la suuxiyaa qofka iyadoo la adeegsanayo dawooyin maxalli ah. Qalliinka waxaa lagu sameynayaa tuubbada kasoo baxda xiniinyaha ee shahwada qaadda, waxaana la xirayaa tuubadaas. Waxaa qalliin yar lagu sameynayaa qeybta hoose ee Xininyaha ama waa la daloolinaya maqaarka xiniinyaha kadibna waxbo lagu xiraya. Qalliinka ma sameynayo in biyaha ragga ay kasoo duulaan halkaas, qalliinkuna ma saameynayo shahwada iyo soo saarista maaddada testosterone ama dardargelinta awoodda galmada. Xiniinyaha weli wey soo saarayaan shahwada laakiin gudaha ayaa si taxaddar loogu dhex celiyaa halka bannaanka loo soo tuuri lahaa. Qofka ragga ah ee la marsiiyo qalliinkan waxaa lagula taliyaa in uu nasto uuna iska ilaaliyo in uu kubad dheelo ama ka qeybgalka ciyaaraha, waxaa sidoo kale lagula taliyaa in uusan wax culus qaadin muddo toddobaad ah. Qalliinka noocan waa mid lagu guuleysto, laakiin dhakhaatiirta waxay dumarka raggan kula taliyaan inay qaataan dawooyinka uurka ka hortagga bilooyinka ugu horreeya maadama qalliinka lagu sameeyay raggooda uu hor leeyahay. Dhakhaatiirta waxay ku taliyaan ragga da'doodu ka hooseyso 30 jir in aysan isku sameeyaan qalliinka noocan ah. Arrinta ma ahan go'aan loo baahan yahay in si deg deg ah uu qofka ugu tallaabsado iyadoo aan si buuxda looga fiirsaneyn. Dhowr toddobaad ka hor ayay aheyd markii uu muuqaal barta Instagram-ka uu soo dhigay Jordan Banjo, oo 30 jir ah, oo ka tirsan kooxda qoob ka ciyaarka ee Diversity,uu shaaca ka qaaday inuu isku sameeyay hannaanka qalliinka uu iska ilaalinayo in uu wax dhalo ee loo yaqaanno vasectomy. Xilli uu galayay baabuurkiisa, xaaskiisa Naomi oo uur leh ilmaheedii saddexaad, ayaa la maqlay iyadoo weydineysa, ""Qalliinka ma xun yahay?"" kaas oo ugu jawaabay: ""Maya - xanuunku majiro ,"" xilli uu ku kaftamayay khibradiisa gaarka ah ee habkan. Maalintii xigtay wuxuu sheegay teleefishin u sheegay in qalliinka uusan wax dhibaato ah kala kulmin. Dalka Mareykanka, waxaa la arkayay raga kasoo muuqday barta TikTok oo sheegay inay isku sameeyeen qalliinkan ay isaga joojinayaan dhalmada, waxaana soo bataya tiradda ragga ah ee maraya hannaankan kadib markii Maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka ay meesha ka saartay xaqa dumarka dalkaas ay u leeyihiin inay iska soo xaaqi karaan ilamaha gobollada qaar." https://www.bbc.com/somali/articles/c2v37094xy0o +religion Nabi Muxammad (NNKH) hadal laga sheegay oo sababay dhimasho iyo dhaawac "Saddex ruux ayaa ku dhimatay magaalada Bangalore ee koonfurta dalka Hindiya kaddib markii ay ciidamada booliska rasaas ku fureen dad mudaharaadeyaal ah oo ka careysan ""aflagaaddo"" la sheegay in Nabi Muxammad, Nabadgalyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee, loogu geystay Facebook. Dadka isu soo baxay ayaa isugu tagay bannaanka hore ee guri uu leeyahay siyaasi maxalli ah oo qaraabo la ah qofka lagu eedeeyay inuu ""aflagaaddada"" u geystay nabiga. Waxay dab qabadsiiyeen gawaadhi, waxayna weerar loo adeegsaday dhagaxyo ku qaadeen ciidamada booliska oo u tagay, sida ay saraakiil ka tirsan booliska u sheegeen BBC Hindi. Ciidamada ammaanka ayaa xidhay ninka la eedeeyay iyo 110 ka mid ah dadkii mudaharaadayay. Kamal Pant, oo ah Taliyaha booliska magaalada, ayaa sheegay in ugu yaraan 60 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare lagu dhaawacay qalalaasaha dhacay habeenkii Talaadada sii baxeysay. ""Bandow ayaa lagu soo rogay labo degmo oo ka tirsan magaalada,"" ayuu yidhi. Dhinaca kale, taliska booliska magaalada ayaa bartooda Twitter-ka kusoo qoray in xaaladda ay ""xakameeyeen"", iyagoo intaas ku daray in ciidanka ay rasaas nool nool ku fureen shacabka kaddib markii ay isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa, balse waxba laga qaban waayay. Dhimashada dadka waxaa xaqiijiyay wasiirka guriyeynta ee gobolka Karnataka, kaasoo ay caasimaddiisa tahay magaalada Bangalore. Qalalaasaha ayaa billowday kaddib markii mudaharaadeyaasha ay rabsho ka kiciyeen afaafka guriga siyaasiga iyo waliba saldhig ay booliska leeyihiin, islamarkii ay arkeen ""aflagaaddada lasoo galiyay Facebook"". Warbaahinta maxalliga ah ayaa tabisay in waxyaabihii lasoo dhigay barta bulshada markii dmabe la tiray. Wasiirka, oo lagu magacaabo Akhanda Srinivas, ayaa muuqaal uu soo duubay dadka uga codsaday inay isdajiyaan, isagoo u ballanqaaday caddaalad. ""Waxaan ka baryayaa walaalaheyga muslimiinta ah inaysan dagaal u sameynin hal qof oo sharciga jabiyay awgiis. Wax kasta oo dhacayba, dhammaanteen walaalo ayaan nahay. Qof walba oo arrintan mas'uul ka ah, waxaan xaqiijin doonnaa inuu ciqaabta ku habboon mari doono. Anigu waan idinla jiraa,"" ayuu ku yidhi muuqaalka." https://www.bbc.com/somali/war-53750713 +health Feyraska corona oo markale kusoo laba kacleeyay Mareykanka "Sarkaalka Dowladda Mareykanka ugu sareeya dhanka cudurada faafa, Dr Anthony Fauci ayaa sharci dajiyeyaasha dalkaas u sheegy in dalka Mareykanka uu haatan markale wajahayo ""sare u kac horleh"" oo la xiriira feyraska corona, kaas oo laga soo sheegayo qaar kamid ah gobolada Mareykanka. Khubarro caafimmaad oo uu kamid yahay Dr Anthony Fauci, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay noqon doonaan maalma adag oo ay tahay in wax laga qabto faafidda cusub ee xanuunka. Guud ahaan dalka Mareykanka waxaa lagu soo warramayaa in markale ay sare u kaceen tirada kiisaska corona. Khubarradan caafimmaad ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan Madaxweynaha Mareykanka kala hadlin in uu yareeyo tirada dadka laga baarayo xanuunka. Hadalkan ayaa yimid kadib markii madaweyne Trump uu meel fagaara ah ka sheegay in saraakiisha caafimmaadka uu ku amray in aysan baaritaano badan sameynin, si hoos loogu dhigo tirada dadka uu xanuunka ku dhacayo ee maalin walba lasoo sheegayo. ""Inta aan ka warqabo, midkeenna looma sheegin in aan hoos u dhigno tirada baaritaanada,"" ayuu yiri Dr Fauci, oo ah agaasimaha machadka xanuunka faafa ee Mareykanka oo ka hor hadlayay guddi loo saaray ka sal gaaridda qaabka Dowladda Mareykanka ay uga jawaabtay xanuunka corona. ""Dhab ahaantii waa aynu sii kordhin doonaa baaritaanada la xiriira feyraska"" ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Saraakiisha kale ee ka qeybgalay kullankaas ee katirsan xarunta kahortagga cudurada faafa ayaa sidoo kale ku gacan seyray hadalkii Trump, iyagoona sheegay in marnaba aanan lagu amrin in ay hoos u dhigaan baaritaanada feyraska corona. Brett Giroir, oo ah ku xigeenka xoghayaha wasaaradda caafimmaadka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ay xanuunka ka baaraan 40 iyo 50 milyan oo qof bishii ba. Muxuu Trump ka yiri? Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha ee ku saabsanaa hoos u dhigidda ay ahayd ""mid kaftan ah"". Ku dhawaad 2.3 milyan oo Mareykan ah ayuu ku dhacay xanuunka, halka 120 kun oo qofna ay u dhinteen. Waa dalka ugu badan dunida ee dhanka dhimashada feyraska corona. Donald Trump ayaa taageerayaashiisa Arizona u sheegay in uu ""hoos u dhacay"" dadka uu ku dhacayo xanuunka corona. Arizona oo uu madaxweynaha booqday ayaa isla maalintaas waxaa laga soo warriyay tiradii ugu badneyd ee uu ku dhaco xanuunka. Saraakiisha gobolkaas ayaa sheegay in sideetan boqolkiiba sariiraha isbitaalada haatan la buux dhaafiyay, toddobaadyada soo socdana laga yaabo in aanay xamili karin xaaladda. Dr Fauci ayaa sidoo kale sheegay in dhammaadka sanadkan ay rajeynayaan in uu diyaar noqdo tallaalka feyraska corona." https://www.bbc.com/somali/53160977 +technology Muxuu yahay isbaddalka caawa laga filayo Dayaxa? "Khubarada ku xeel dheer cilmiga hawada iyo meereyaasha ayaa sheegay in caawa oo Arbaco ah isbaddal laga arki doono dayaxa marka uu buuxsamo. Haddii aad eegto cirka xilliga fiidkii ah waxaad fursad u heli doontaa in aad aragto dayaxa oo noqday cabirkii ugu waynaa uguna iftiinka badnaa ee guud ahaan sanadka. Dyaxan buuxa ee cabirka wayn waxaa loo yaqaannaa ""dayax-waynaad"" oo afka qalaad lagu dhoho ""supermoon"". Sababtu waa uu dayaxu qaabkaas noqdo marka meeraha uu ku wareego uu meesha ugu sokeyso ka imaado meeraha dhulka. Dadka dhulka ka eegaya ayaa sidaas ku dareemaya inuu sidii hore ka wayn yahay kana iftiin badan yahay. Dadka Soomaaliya jooga ayaa dayaxa muuqaalkaas ku arkaya laga billaabo maqribbadii, waqtiga uu gabbalku dhaco. Dayaxa cusub ama buuxa waxa uu imaadaa marka uu Dayaxu 90% ku soo dhawaado meeraha dhulka. Wareegga dayaxa waxa uu siyaabo kala duwan u wajahaa meeraha dhulka, taasoo micnaheedu yahay in aan mar walba dayaxa ku arkayno cabir ka duwan kii hore. Tania de Sales Marques, oo ah cirbixiyeen ka howlgasha Royal Observatory Greenwich, ayaa sheegtay in Dayaxa buuxa ee caawa oo kale la arki doono uu yahay mid 14% ka wayn islamarkaana 30% ka iftiin badan Dayaxa marka uudhulka ka jiro dhanka kale - oo ah marka uu meesha ugu fog naga joogo Dayaxa. Waxa ay intaas ku dartay in Dayaxu uu cabirkiisa heerka ugu wayn gaarayo daqiiqadaha ku xiga xilliga uu soo baxo. Hay'adda Cilmi-baarista hawada sare ee Mareykanka, oo magaceeda loo soo gaabiyo NASA, ayaa sheegtay in Dayaxa Buuxa ee bishan July loo aqoonsaday magaca ""Buck Moon"", oo ah mid loogu magac daray xayawaanka geesaha dhaadheer ee ay caanka ku yihiin dadka asal ahaan kasoo jeeda waqooyiga-bari ee Mareykanka. Sababta magacaas loogu bixiyay waa in uu waqtigaas yahay xilliga ay geeso cusub kasoo baxaan deerooyinka geesaha dhaadheer. Reer Yurub ayaa ku magacaaba ""Hay Moon"" maadaama waqtigaas sanad kasta la duubo cawska qallalay. Nasa ayaa sheegtay in bishan July ay sidoo kale dadka Hinduuga ah u tahay ""Dayaxa Buuxa ee Guru"". Magaca ""supermoon"" waxaa sanadkii 1979-kii bixiyay cirbixiyeenkii la oran jiray Richard Nolle." https://www.bbc.com/somali/articles/ckdx8q8nx89o +politics Hindiya oo sheegtay iney Shiinaha ka dileen ugu yaraan 40 askari "Wasiir ka tirsan dowladda Federaalka Hindiya ayaa sheegay dagaalki toddobaadkan xadka ku dhex maray labada dal iney Shiinaha ay uga dileen ugu yaraan 40 askari. Labada dal ee ku hubeysan hubka Niyuukilarka Axaddii wuxuu dagaal ku dhex maray xad ay labada dal wadagaan. Shiinaha ayaan dhankeeda weli ka hadlin qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray, dagaalkaasi oo ay ciidamada labada dal ay gacan isula tageen. Dagaalka ayaa Beijing iyo Delhi ku dhex maray dhulka buuraleyda ee Galwan oo ay labada dal sida weyn isugu hayaan dal kastana uu lahaanshaha dhulkaasi sheegto. ""Dhanka Hindiya haddii ay 20 askari ay ka shahiideen, Shiinahana ugu yaraan dagaalka waxaa ka soo qaaray qasaara laba jibbaar ah"" ayuu yiri wasiirka gaadiidka iyo waddooyinka ee Hindiya V.K.Singh oo u warramayey TV News24. Singh oo horay u ahaa saragaal milatariga Hindiya ka tirsan ayaan hadalkiisaasi wax caddeyn ah u keenin. Wuxuuna Sheegay taariikh ahaan dalka Shiinaha inuu weligii qiranin qasaara dagaal ka soo gaaray, tani iyo dagaalki Hindiya iyo Shiiaha dhexmaray 1962-kii. Warbaahinta afka dowladd Shiinaha ku hadasha ee Global Times waxay mar sii horreysay sheegtay inuu Shiinaha dagaalkaasi qasaara ka soo gaaray balse qasaarahaasi waxa uu yahay faahfaahin kama bixin. Singh wuxuu sheegay Hindiya ciidamada Shiinaha ee dhulka Hindiya ku go'doonsanaa iney ku wareejiyeen Shiinah iyada oo ay xiisaddu weli taagan tahay. Wasiirka gaashaandhigga Hindiya Bharat Bhushan Babu ayaa ka gaabsaday inuu wax ka yirahdo hadalka Singh ka soo yeeray. Ra'isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi wuxuu sheegay wakhti xaadirkan iney jirin ciidama shisheeye oo ku sugan xadka Hindiya iyo dhul laga qabsaday toona. Dalka Shiinaha qasaaraha ka soo gaaray dagaalka ciidamada Hindiya ay la galeen wax war ah kama soo bixin, tani iyo marka uu labada dal uu iska horimaadka uu ku dhex maray xadka Himalayan ee ay labada dal isku hayaan. Labada dal oo ku hubeysan hubka Niyukilarka ayaa dalba dalka kale uu ku eedeeyey inuu xadka soo tallaabay dagaalkana uu billaabay. Hindiya waxay sheegtay labada dalba qasaara inuu ka soo gaaray dagaalki ku dhexmaray buuraleyda Galwan ee ku yaalla Ladakh. Ra'isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo Jimcihi shacabka dalka Hindiya telefishiinka kala hadlay wuxuu sheegay ciidamada Hindiya iney amar buuxa u haystaan ""iney qaadaan tallaabbo kasta oo milatari"" oo ay ku difaacayaan xuduudaha dalka Hindiya. ""Dalka Hindiya wuxuu si aad ah uu uga xumaaday ugana carooday tallaabbadii u Shiinaha ku dhaqaaqay, ""ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray ""Hindiya nabad iyo saaxibtinimo iney dooneyso balse ay qaranimadeeda gorgortan ka galeyn."" Mr Modi oo ka hadlay dagaalki Isniinti dhacay wuxuu sheegay, ""iney gudaha xuduudda Hindiya xoogag shisheeye ku sugneen dhul ay Hindiya leedahayna aan la qabsan"". Labada dal ayaa waxay 1996-kii ay galeen heshiis xadka ay labada dal isku hayaan ka manuucaya hubka iyo waxyaabaha qarxa. Wararku waxay intaasi ku darayaan dagaalka xadka ku dhexmaray cidamada Hindiya kuwa Shiinaha in lagu dhaawacay ugu yaraan 76 askari oo Hindiya ah. Warbaahintu waxay sheegeen ciidamada labada dal inuu dagaalka ku dhex maray dhul buuraleeyn uu badkiisa gaarayo 4,300 mitir, halka ay ciidamada qaar dagaalka marka uu dhacay ay ku daateen wabiga Galwan oo qabowgiisa eber uu ka hooseeyo. Ugu yaraan 20-askar oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa lagu dilay dhacdadii habeennimadii Isniinta. Dhacdadaasi waxay ka dhacday buuralleyda Galwan ee gobolka lagu muransan yahay ee Ladakh. Dowladda Shiinaha ayaa ku eedeysay ciidamada Hindiya in ay labo jeer ka soo tallaabeen xuduudda, iyagoo ""carreysanna ayna weerarayaan shaqaalo u dhashay Shiinaha oo nawaaxiga xadka ku sugnaa"". Labada dhinac ayaa ku adkaystay inaan wax rasaas ah aysan dhicin. Saraakiisha dalka Hindiya ayaa meesha ka saaray tirada dagaallamayaasha oo gacmaha ku haysta ulo bir ah iyo dhagaxyo. Waxaa jiray warbixino sheegaya khasaaraha soo gaaray Shiinaha, balse si rasmi ah looma xaqiijin karo. Saraakiisha militariga ee labada dal ayaa markii dambe kulmay, si ay ""u dejiyaan xaaladda"", ciidamada Hindiya ayaa sidaasi sheegay. Militiriga labada dal, ayaa muddo tobannaan sano ah isku heystay dhulka aadka u sarreeya ee buuraleyda ah, oo u badan gobol aan la degganeyn. Ciidammadoodu ayaa si fool ka fool ah isaga hor imaanayay meelo badan oo ah illaa 3,440km (2,100-mile, waana xadka ay wadaagaan. Iskahorimaadka ayaa yimid,kadib markii bilihii la soo dhaafay ay xiisado ka dhasheen waddo cusub oo Hindiya laga dhisay oo ku taalla magaalada Ladakh, iyada oo la raacayo Khadka Tooska ah ee kala qaybiya labada dhinac ee xuduudda. Taasi ayaa ka careysiisay Shiinaha, oo ciidan geeyay halkaas, waxayna kaabayaal gar ah ka dhiseen dhulkeeda lagu muransan yahay, taas oo keentay in labada dhinac ay ciidamadooda ku soo dhowaadaan ayna sii kordhiyaan halista dagaallada. Labada dhinacba waxay u arkaan deegaanka uu yahay mid muhiim ah, xag dhaqaale iyo mid milatariba. Hadduu midkoodna uu waddo helin, wuxuu iska hor imaatinkaas cawaaqib xumo ku yeelan karaa gobolka ay ku isku khilaafsan yihiin. Nolosha lagu weynayo dagaalka ayaa sare u sii qaadeysa xaaladaha cakiran. Dhimashadaas ayaa la rumeysan yahay inay tahay tii ugu horreysay muddo 45 sano ah oo ka dhacda xadka u dhexeeya Hindiya iyo Shiinaha. Waxay dagaallameen hal mar oo keliya, sannadkii 1962, markii Hindiya ay la kulantay guuldarro aad u xun. Waa halis aad u daran, haddii dadaalka deminta collaadda uu fashilmo. Maalmihii la soo dhaafay, jeneraallo ciidan oo ka kala socda Hindiya iyo Shiinaha ayaa ku lug yeeshay wadahadallo loogu talagalay xalinta dagaalka xadka." https://www.bbc.com/somali/war-53125512 +politics Waa kuma ninka uu Mareykanku ku daray liiska argagixsada? "Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada caalamiga ah ku dartay Qari Amjad oo loo yaqaanno Mufti Muzahim, oo ah ku xigeenka amiirka kooxda Tehreek-e-Taliban Pakistan ee dalka Pakistan iyo saddex hoggaamiye oo kale oo ka tirsan ururka xagjirka ah ee Al-Qaacidda oo iyagana lagu dhawaaqay in liiskan lagu soo daray. War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in afartan qof lagu daray liiskan sababo la xiriira dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan gudaha ururradooda argagixisada ah. Saddexda hoggaamiye ee ka tirsan Al-Qaacidda, ayaa magacayadooda lagu sheegay Osama Maxamed, Atif Yaxya Ghori iyo Muxumed Maruf. War saxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee arrintan la xiriira ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu adeegsan doono dhammaan awoodihiisa la dagaallanka argagixisada si meesha looga saaro dhammaan isku dayga argagixisada ee Afghanistan. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uusan marnaba oggolaan doonin in Afgaanistaan mar kale loo adeegsado goob saldhig u ah argagaxiso. Ka dib markii uu go'aankan soo baxay, afhayeenka ururka la mamnuucay ee Tehreek-e-Taliban Pakistan ayaa muujiyay 'in ay ka xun yihiin' tallaabadaan waxayna sheegeen in ururkoodu uu si cad ugu sheegay Pakistan iyo Mareykanka iyo xoogagga kale in ay u dagaallamayaan qiyam diimeed iyo mid qaran, kaas oo aan lahayn ajande kale. Waa kuma Qari Amjad oo loo yaqaanno Mufti Muzahim? Bayaanka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Qari Amjad uu mas’uul ka yahay dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah iyo falalka guracan ee ay ka wadaan gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan. Dhowr maalmood ka hor ayaa bayaan uu soo saaray ururkan la mamnuucay ee TTP ee Pakistan, wuxuu amar ku bixiyay in weerarro saf-ballaaran ah laga gaysto guudahaan dalka Pakistan. Bayaankan oo uu soo saaray afhayeenka ururkaasi oo ka tirsan waaxda difaaca ama wax-iska-caabbinta ee ururka ayaa gaba gabadii bayaankan waxaa lagu qoray magaca qofka soo saaray oo ahaa ‘Mufti Muzahim’. Wariye sare iyo falanqeeye Mushtaq Yousafzai ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo Qari Amjad uu ku firfircoonaa gudaha kooxda Talibanka Pakistan, haddana uusan ahayn nin caan ka ah kooxda dhexdeeda. ""Waxaa loo magacaabay ku xigeenka madaxa TTP, sababaha ugu waaweyn ee xilkaan loogu magacaabay ayaana ah xiriirka uu la leeyahay qaybta degmada Malakand oo ka tirsan gobolka ay ku noolyihiin dadka laga tirada badanyahay."" Waxa uu sheegay in inta badan hoggaamiyaasha Taalibaan ee qeybta Malakand lagu dilay howlgalo ciidan iyo howlgalo kale intii lagu guda jiray dagaalka lagula jiro Argagaxisada,sidaas darteedna laga yaabo in loo dhiibo jagada Naib Caamir oo uu ku matalo gobolkan muhiimka ah. Qari Amjad waxaa uu ka soo jeedaa degmada Dir ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa. Dadka deegaanka ayaa markii dambe BBC-da u sheegay in Qari Amjad uu waxbarashadiisii ​​hore ku soo qaatay deegaankiisa, kadibna uu galay machad ku yaalla magaalada Jindol oo uu ku bartay cilmiga diinta. Aabbihii wuxuu macallin ka ahaa iskuul dowladeed. Sarkaal diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in Qari Amjad uu ku biiray kooxda Taalibaan xilligii uu dhalinyarada ahaa, sanadihii 2007-08 oo ay ku soo badanayeen kooxaha xagjirka ah deegaanka, markii uu ururka ku biirayna uu sii xoojiyay dhaqdhaqaaqiisa. Waxa uu door muhiim ah ka qaatay dhaqdhaqaaqyada kooxda. Si kastaba ha ahaatee, Qari Amjad ayaa sanadkii 2010-kii u aaday dalka Afgaanistaan ​​sababo la xiriira howlgallada ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen aaggan, kadibna waxaa soo baxay warar sheegayay in dhowr sano ka dib uu Qari Amjad uu dib ugu laabtay dalka Pakistan, balse uu si dhaqsi ah ugu soo laabtay Pakistan. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in mid ka mid ah walaalaha Qari Amjad uu ku dhintay iska horimaad dhexmaray ciidamada ammaanka, balse BBC-du si rasmi ah uma xaqiijin karto arrintaas. Sida laga soo xigtay dadka deegaanka, ka dib markii uu dib ugu laabtay Afgaanistaan, waxaa la waayay xiriirkii uu la lahaa deegaankiisa. Tehreek-e-Taliban Pakistan ayaa 14-kii sano ee ugu dambeeyay u dagaallamaysay sidii dalkaas looga dhaqangelin lahaa ku dhaqanka shareecada Islaamka. TTP ayaa doonaysa in dowladdu ay sii deyso xubnaha u xiran, isla markaana ay yareyso joogitaanka ciidamada ee deegaannadii ay markii hore joogi jireen. Maadaama TTP ay ku hawlan tahay in ay sare u qaaddo awooddeeda aagaggaas, ma rabto in ciidan laga helo meelahaas. TTP waxa ay doonaysaa in ay xukunkeeda ku maamusho deegaannadaas, sababtaas awgeed ciidanku waxa ay sii wadaan in ay iska hor-imaadyo dhexmaraan. TTP waxaa loogu yeeraa Taalibaanka Pakistan. Waxaa jira kooxo yaryar oo badan oo hoos yimaada ururkan oo la sameeyay 2007. Wariye sare Saqlain Imam ayaa leh, “Tehreek-e-Taliban Pakistan ma aha hal urur. Waxaa ku jira kooxo yaryar oo badan. Waxay doonaysaa in la dhimo saamaynta Pakistan ee FATA iyo gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka. Dowladda Pakistan-na waxay dooneysaa inay dejiso oo ay yareyso saameyntooda. Waxa uu yiri, ""Tani, waxay sidoo kale bilowday dejinta xubnaha TTP ee Swat, Bajaur iyo Kurram, laakiin halkaas waxaa ka bilaabatay inay isku dhacaan dadka ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay sida Shia Pathans. TTP ayaa sidoo kale billowday beegsiga beelaha laga tirada badan yahay. Taasi oo ay keentay in dawladda Pakistan ay mar kale ka istaagto go’aan adag arrintaa." https://www.bbc.com/somali/articles/cx9enqpp7q9o +health "Daraasad: ""Ugxanta taranka oo laga sameeyay unugyo lab ah""" "Cilmi-baare u dhashay dalka Japan ayaa shir wayn oo ku saabsan dhanka hidde-sidaha ayaa sheegay in uu ukunta taranka ka sameeyay unugyada jiir lab ah. Cilmi-baadhista oo weli ku jirta heerarkeedii hore, waxay ku lug lahayd in koromosoomyada galmada ee XY saynisku u yaqaanno ee labka loo beddelo kuwa dheddigga ah amaba ukunta taranka ee dheddigga. Barfasoore Katsuhiko Hayashi oo ka tirsan jaamacadda Osaka ayaa ka shaqaynaya horumarinta daawaynta bacriminta. Xogtan oo uu u soo gudbiyay daabacaadda joornaalka sayniska ee Nature, ayaa kor u qaadaya rajada ah in ""ragga lammaanaha"" ah ee ka tirsan bulshada la isku yiraahdo LGBTQ ay caruur yeeshaan. Prof. George Daley oo ka tirsan kulliyadda caafimaadka ee Harvard, oo aan ku lug lahayn cilmi-baadhistan, ayaa sheegay in ay weli jirto waddo dheer oo ka horraysa in bulshadu la kulanto go’aankan noocan oo kale. ""Shaqada Hayashi waa mid aan la daabicin laakiin soo jiidasho leh. Way ka adkaan doontaa in [Bini-aadmiga lagu sameeyo ] sida jiirka oo kale,"" ayuu yidhi. Wali ma aynaan fahmin wax badan oo ku saabsan bayolojiga gaarka ah ee unugyada aadanaha (samaynta unugyada taranka) si loo soo saaro shaqada Hayashi ee jiirarka''. Faahfaahinta ayaa lagu soo bandhigay shir-madaxeedka tifaftirka hidda-sidaha aadanaha ee Machadka Crick ee London. Prof Xayaashi oo ah khabiir si weyn looga ixtiraamo caalamka ayaa u sheegay ergada shirka ka soo qeyb gashay in shaqadu ay mareyso heer aad u horeeysa. Ukumaha ayuu sheegay in ay tayadoodu liidato, farsamadana aan si badbaado leh loogu isticmaali karin bini'aadamka xilligan hadda la joogo. Balse waxa uu BBC-da u sheegay in uu arki karo in dhibaatooyinka hadda jira looga gudbi karo toban sano gudahood uuna jeclaan lahaa in uu u arko iyada oo lagu daweynayo dhibaatooyinka taranka ee ragga iyo dumarkaba haddii la caddeeyo in si bed qab ah loo isticmaali karo. ""Haddii dadku rabaan iyo haddii bulshadu aqbasho tignoolajiyada noocaas ah markaa haa, waan taageersanahay"". Farsamada waxaa ka mid ah in marka hore unug maqaarka laga soo qaado jiirka labka ah dibna loo rogo unuggaas asliga ah – unug isu beddeli kara noocyo kale oo unugyo ah. Unugyadu waa rag sidaas darteed waxay leeyihiin koromosoomyada XY. Kooxda Prof Katsuhiko ayaa markaa tirtirta koromosoomka Y, waxay nuqul ka dhigtaa X koromosoomka ka dibna waxay isku isku daraan labada X. Farsamadani waxay u oggolaanaysaa unugga asliga ah in loo habeeyo si uu ukunta taranka u noqdo. Farsamadan waxaa loo isticmaali karaa in lagu caawiyo lamaanaha aan dhaleynin marka haweeneydu aysan awoodin inay soo saarto ukumo iyada u gaar ah. Waxa uuse carabka ku adkeeyay in aan kow la joogin si loogu adeegsado daawaynta taranka. Barfasoor Amander Clark oo ah saynisyahan ku takhasustay unugyada kana tirsan jaamacadda California, ee Los Angeles ayaa sheegtay in bulshada LBGTQ+ loo yaqaan loo bahanyahay in fikirkooda ka dhahaan isticmaalka teknoolajiyaddan. “Bulshada LBGTQ+ waxay leeyihiin baahin gaar ah marka laga hadlayo sameysashada qoys. Waxay suurta gal u tahay lamaanaha isku jinsiga ah in ay taran sameeyaan mustaqbalka iyada oo teknoolajiyadan la isticmaalayo. ""Xitaa dhanka jiirka waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo ku saabsan tayada ukunta. Markaa ka hor inta aanan u malayn in ay tahay daaweynta taranka waa in aan ka gudubnaa dhibaatooyinkan, kuwaas oo qaadan kara waqti dheer,"" ayuu yidhi. Prof Xayaashi waxa uu sheegay in aanu raalli ka ahayn in uu nin u isticmaalo shahwadiisa si ukumo macmal ah loo sameeyo. ""Farsamo ahaan tani waa suurtagal, ma hubo in qaabkan uu yahay mid ammaan ah ama bulshadu aqbali karto"". ""Si kastaba ha ahaatee, maanta tignoolajiyaddan looma heli karo isticmaalka bini'aadamka, badbaadada iyo waxtarkeeda lama xaqiijin, mana cadda inta ay tignoolajiyada ku qaadan doonto rugta caafimaadka. Weli waxaa jira waxyaabo badan oo laga baran karo khadka jeermiska aadanaha, daldaloollada ka jira aasaaska aqoontuna waxay caqabad ku yihiin in cilmi-baadhistan loo turjumo qaab aadanaha waxtar u leh .""" https://www.bbc.com/somali/articles/c2x608d4gkgo +sports Muxuu Ighalo ugu qanacsanyahay garoonka Old Trafford? "Odion Ighalo ayaa sheegay in uu rajeynayo in la kordhiyo heshiiska amaah ahaanta ee uu kula joogo kooxda Manchester United illaa iyo inta uu ka dhamaanayo horyaalka Ingiriiska. Weeraryahanka reer Nayjeeriya ee 30 jirka ah, ayaa United uga soo biiray naadiga Shiinaha ka dhisan ee Shanghai Shenhua bishii Janaayo, iyadoo heshiiskiisu uu ku egyahay 31-ka May. Masuuliyiinta horyaalka kubadda cagta Ingiriiska ayaa rajeynaya in horyaalku uu dib u bilowdo bisha June, iyadoo sidoo kale la filayo dib u bilaabashada horyaalka kubada cagta Shiinaha ,taasi oo keeni karta in Ighalo uu ku laabto Shanghai. ""Waxaan jeclahay in xilli ciyaareedku dhamaado, haddii ay suurtagal tahay"" ayuu yiri Oghalo oo BBC-da la hadlayey. ""Si wanaagsan ayaan u ciyaarayey, goolal ayaan dhallinayey, haddana ma aynan ciyaarin in ka badan bil. Waan dadaalayaa, waxaana rajeynayaa inaan dib u soo laabano"" ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ighalo. ""Kooxdu [Man United] waxay ku jirtay xilli aad u wanaagsan intii aanay bilaaban aafadu. Xilligan waxaan ku joogaa amaah, tanina waxay soo gaabin doontaa waqtiga aan kula joogo naadiga"" ayuu mar kale yiri Ighalo. BBC ayaa fahamsan in Manchester United ay aad u doonayso in ay kordhiso heshiiska amaahda kuu u joogo garoonka Old Trafford ciyaaryahanka caalamiga ah ee eer Nayjeeriya. Ighalo ayaa 8 kulan oo uu u saftay Man United wuxuu dhaliyey afar gool dhammaan tartamada, goolashaas oo uu ka mid ahaa kii qaybta ka ahaa shantii gool iyo waxba ee United uga badisay kooxda LASK, kulankii qaybta ka ahaa wareega 16-ka ee tartanka Europa League ee dhacay 12-kii March, maalin ka hor intii aan lagu dhawaaqin in Premier League-ga la hakiyey. Manchester United ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee kala horreynta kooxaha, iyadoo ay u dhiman yihiin sagaal ciyaar. Kooxaha Premier League-ga ayaa maalinta Isniinta ah yeelan doona kulan ay uga wadahadli doonaan dib u bilaabida xilli ciyaareedka. Sababta Feeryahan Amir Khan u diiddan yahay in xilligan uu u feertamo. Amir Khan oo horey ugu guuleystey horyaalka feerka miisanka fudud ee adduunka ayaa sheegay inaanay qorshaha ugu jirin in uu ka qayb qaato tartan feer oo aanay garoonka ku sugneyn taageerayaal, haddii ay noqoto in dib loo bilaabo feerka inta lagu jiro aafada fayraska corona. Feeryahanka reer Britain ayaa rajo ka qaba in dagaalka habeenkii uu dib u bilowdo bisha July, ayna daawadayaashu ka soo qayb gali karaan. ""Inkastoo lacag badan ay ku jirto, haddana awood uma lihi inaan ka qayb galo, maaddaamma aan doonayo taageerayaal inay halkaasi joogan"" ayuu yiri Khan oo BBC-da qaybta cayaaraha la hadlayey. ""Saddex caruur ah ayaan leeyahay. Wax badan ayaan horey uga qayb qaatay cayaaraha, waxaana filayaa in 100% aan wax hubsado intii aan ku soo boodin"" ayuu yiri Amir Khan. 33-jir Khan ayaa intaasi ku daray ""Ma doonayo in cudur igu dhaco. Mustaqbal fog ayaan leeyahay. Ma waxaa doonayaa inaan qatar taasi galiyo, oo aan arko waxa dhacaya, dib ayaan uga waabanayaa waxoogaa si aan u dhawro sida ay xaaladdu noqonayso"". Khan, ayaa tartankii Olypikada ee 2004 wuxuu ku guuleystay billad qalin ah, dagaalkiisii ugu dambeeyey ee feer ee ka dhacay Sacuudiga bishii July ee uga guuleystey Billy Dib ayuu ku gaaray guushiisii 34-aad ee ka gaaro 39 mar oo uu riingaha feerka dagaal uu u fuulay. Guddiga maamula tartamada feerka ee Britain ayaa iminka wadaxaajood ka leh in feerku bilowdo bisha July, balse waxaa jiri doonaa tallaabooyin adag oo la qaadayo sida in daawadayaasha laga mamnuuco garoomada." https://www.bbc.com/somali/war-52607233 +business Dhoofinta Dhuxusha: Kenya oo Soomaaliya kaga hormartay ganacsiga Dhuxusha "Ururka caalamiga ah ee ka hor tagga fal dambiyeedyada isaga kala goosha waddamada (GI-ATOC) ayaa soo saaray warbixin uu ku sheegayo in Kenya ay noqotay waddanka dhuxusha ugu badan laga dhoofiyo ee gobolka geeska Afrika. Arrintan waxay soo baxday iyadoo ay jireen dadaallo lagu yareynayo jarista dhirta si loo ilaaliyo fayo qabka deegaanka. Arrintan ayaa timid xilli Kenya ay sanadkii 2018-kii mamnuucday wqx soo saarka dhuxusha. Tani waxay ka dhigan tahay in Kenya ay hadda ka hor martay Soomaaliya oo ahaan jirtay isha ugu weyn ee dhuxusha la dhoofiyo, sannado bandanna walaac laga muujinayay. Sida lagu xusay warbixinta GI-ATOC, Kenya waxay hadda saldhigga ugu weyn u tahay ganacsiga dhoofinta dhuxusha ee Bariga Afrika oo la isugu keeno dhuxusa ka imaata dalalka dariska la ah ee Uganda iyo Suudaanta Koonfureed. Dhuxushan ayaa loo qaadaa dalalka Bariga Dhexe oo aad looga isticmaalo balwadda Shiishada ee lagu shido dhuxusha. Warbixinta dheer ee la soo saaray isbuucan ayaa lagu sharraxay in maadaama Al-Shabaab ay lumisay maamulka deegaanno ka mid ah Soomaaliya ay sidaas hoos ugu dhacday tirada dhuxusha laga dhoofin jiray ee la geynayay Bariga Dhexe. Hoos u dhacaas ayaa horseeday in Kenya ay hoggaanka u qabato ganacsigan ay Qaramada Midoobay horay u cambaareysay. Go'aanka ay dowladda Kenya ku mamnuucday wax soo saarka dhuxusha waddankeeda waxay ku saleysay in la badbaadiyo dhirta keymaha. Laakiinmamnuucistaas ma aysan joojineynin dhuxusha Kenya loo soo dhoofiyo ee dalalka kale ka imaata. ""Inkastoo qaraarkaas la soo saaray haddana wali wuu sii socday wax soo saarka dhuxusha ee gudaha Kenya,"" ayaa lagu yidhi warbixinta. Sanadkii 2020-kii ayuu sare u kaca ugu badan ku yimid dadka ku biiraya wax soo saarka dhuxusha ee gudaha Kenya, sida lagu qeexay warbixinta. ""Bishii September, 2020, waxaa la qiyaasay in dad ka badan 4,000 oo ruux ay si joogto ah uga shaqeynayeen ganacsiga dhuxusha ee magaalada Busiga oo ku taalla xadka Kenya iyo Uganda. 75 ka mid ah dadkaas waxay kasoo tageen shaqooyin kale oo uu dhaqaale kasoo gali jiray si ay ugu biiraan ganacsiga dhuxusha oo dadka deegaanku ay u yaqaannaan 'dahabka madow',"" ayaa lagu yidhi. Sanadkii 2018-kii, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kharashka kasoo xarooda ganacsiga dhuxusha uu yahay isha ugu weyn ee ay dhaqaalaha ka helaan Al-Shabaab. Ma jiro wax war ah oo Kenya ay ilaa hadda kasoo saartay dhaleeceynta uga timid ururka ka hor tagga dambiyada dalalka isaga gudba ee ah in iyadoo la mamnuucay wax soo saarka dhuxusha uu wali kasii socdo waddanka." https://www.bbc.com/somali/war-56751009 +entertainment Karan Johar oo jawaab lama filaan ah siiyay qof ku caayay filimkii Netflix "Filim soo saaraha caanka ah ee shirkadda Bollywoodka Hindiya, Karan Johar, ayaa u jawaabay qof ku tilmaamay ""xaaska ugu fiican"" ee barnaamijka cusub ee shirkadda Netflix, (Fabulous Lives of Bollywood Wives). Filimkaas oo uu soo saaray Karan ayaa ku saabsan nolosha dhabta ah ee xaasaska atariishooyinka ah ee Bollywood-ka. Qof ka mid ah dadkii daawaday qeybtii ugu horreysay ee filimkaas ayaa barta Twitter-ka kusoo qoray in Mr Johar laftiisa uu yahay ""xaaska ugu wanaagsan"" ee barnaamijkaas ku jira. ""Waxay ila tahay inaan dhammaanteen isku raaci karno in Karan Johar uu yahay xaaska ugu wanaagsan ee ku jirta #FabulousLivesofBollywoodWives. #NetflixIndia,"" ayuu soo qoray qofkaas. Laakiin ninkan caanka ah ayaa si lama filaan ah uga fal celiyay aflagaaddaas, wuxuuna sheegay inay tahay wax lagu qoslo. Bartiisa Twitterka oo uu kusoo lifaaqay Twitterkii lagu aflagaaddeeyay ayuu Johar kusoo qoray: ""Arrintan way iga qoslisay. Qof dadka internet-ka uga careysiiya oo wax majaajilo ah sheegaya waa maadeysi fiican"". Barnaamijka Netflix, oo xalaqadiisii ugu horreysay ay baxday Jumcadii, waxaa kasoo muuqday xaasaska jilayaasha ah ee lagu kala magacaabo Maheep Kapoor, Bhavna Panday, Neelam Kothari iyo Seema Khan. Dumarkan waxay xaasas u yihiin jilayaasha kala ah Sanjay Kapoor, Chunky Pandey, Samir Soni iyo Sohail Khan. Karan, oo qeyb ka ahaa soo saarista iyo diyaarinta ayaa sidoo kale kasoo muuqday filimka, waxaana lagu daawaday qeyb uu afartaas haweenka ah la jilayo iyagoo sheekeysanaya. Karan Johar ayaa in dhawaaleba ka jaabsaday baraha bulshada, isagoo aan ka jawaabi jirin hadallo badan oo lagu weerarayay. Wuxuu kaalmaha hore uga jiray jilayaasha iyo filim soo saareyaasha Bollywood-ka ee sida weyn eedeymaha aan sal iyo raadka lahayn loogu jeedin ayay kaddib dhimashadii Sushant Sign Rajput, oo ahaa jilaa soo kacayay. Ma jirin wax caddeymo ah oo loo cuskanayay eedeymahaas, inkastoo wali ay socdaan baaritaanno ay wadaan booliska Hindiya." https://www.bbc.com/somali/war-55136052 +sports Mike Tyson oo ciyaaraha feedhka dib ugu soo noqonaya "Feedhyahankii mar ahaan jiray horyaalka miisaanka culusu ee feedhka dunida, Mike Tyson, ayaa dib ugu soo noqonaya tartarka feedhka oo waxa ay gorrodda is dari doonaan Roy Jones Jr oo afar goor isna hore u noqday horyaalka miisaanka culus ee feedhka dunida. Tartankan ayaa la muddeeyey inuu ka dhaco magaalada Los Angeles 12 Sebtember ee soo socota. Tyson oo haatan 54 jir ah ayaa markii ugu dambaysay ee uu tartan feedhka ah galaa waxay ahayd 2005 waagaas oo uu isaga ka adkaaday feedhyahanka reer Ireland ee Kevin McBride, waxaanay guul darradaasi ahayd tii lixaad ee uu la kulmo Tyson 58 tartan oo uu galay. Soddon sano ka dib kooxda liverpool waa horyaalka koobka ingriiska Rooney-ga Mongolian, tuugga, iyo guushiisa soo jiidatay dad badan Ninkan uu la tartamayo oo Maraykan ah da'diisuna tahay 51 jir, ayaan qudhiisu tartamin tan iyo waagii uu ka guulaystay Scott Sigmon bishii Feeberweri 2018. Xidhiidhka ciyaaraha Atleetikada ee gobolka California ayaa ogolaaday in tartankaasi dhaco, waxaanu noqon doonaa sideed wareeg oo toos Telefishannada lacagta lagu daawado looga sii dayn doono. Tyson wuxuu ahaa qofkii ugu da'da yaraa ee ku guulaysta horyaalka miisaanka culus ee dunida, oo isaga oo 20 jir ah ayuu Trever Berbick 1986 ka guulaystay. Waxa hadal haynta inuu ku soo noqonayo miidaanka feedhka sii buunbuuniyey muuqaal uu ku baahiyey baraha bulshada isaga oo tabobar ku jira. Sannadkii 2006 ayaa Tyson wuxuu tartan afar wareeg ah la galay Corey Sanders. Waagaa wuxuu aad ugu baahnaa lacag maadaama oo uu sannadkii 2003 cadeedey inuu musallafay laakiin sidoo kale waxa uu ka hadlay in uu la soo dersay cudurka ku dhaca dhimirka waxaanu codsaday in la siiyo taakulo. Dhawaan ayaa waxa soo baxay hadal hayn ah in Tyson la tartami doono ninkii hore loolanku uga dhexeeyey ee Evander Holyfield oo ciyaaraha ka fadhiistay 20014. Holyfield oo haatan 57 jir ah ayaa laba goor oo hore oo ay iska horyimaadeen sagaashameeyadii ay guushu raacday waxaana ka mid ahaa 1997 oo Tyson dhibcaha lagaga qaaday qaniinyadii uu dhegta kaga dhejiyey ninkaa ay feedhtamayeen. Jones Jr ayaa intii uu ciyaaraha ku soo jiray wuxuu isaguna hore ugu guulaystay horyaalka miisaanka dhexe ee dunida, miisaanka culus ee heerka dhexe iyo miisaanka culus. Steve Bunce oo BBC-da uga faallooda ciyaaraha feedhka, ayaa erayadan ka yidhi tartankaa la filayo: Dadku xiise gaara ayay u qabaan ciyaartan oo way sugayaan. Laba sano uun ka hor ayaa Roy Jones Jr ku guulaystay horyaalka dunida oo waxaad moodaa inuu is mahadiyey. Mike Tyson na waxa uu ku tartamyaa waayo aragnimo iyo xusuusta afar ama shantii sano ee u dambeeyey intii aanu ciyaaraha ka fadhiisan. Dhacdadani waa ushii ceelka lagu dayeyey oo bal waxa la eegi doonaa in ay soo badhigaan ciyaar ay dadka agaasimaya tartankani ku sheegayaan ""Tartanka Ruug-caddaaga"". Waxaana la sugayaa bal in ay arintani noqon doonto wax dadku la dhacaan iyo in kale. Waan qirayaa in ay noqon doonto wax dadka madadaalisa, laakiin waa wax aan hore u dhicin." https://www.bbc.com/somali/war-53522319 +politics Halkee lala aaday boqollaal ardey ah oo Nigeria lagu afduubtay? Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in militarigeeda ay ogaadeen goobta ay ku sugan yihiin rag hubaysan oo afduub u geystay tiro ardey ah oo dhiganaysay iskuul ku yaalla gobolka Katsina ee waqooyiga dalkaasi. Bayaan uu soo saaray Sabtidii madaxwayne Muhammadu Buhari ayaa lagu sheegay in militariga oo kaashana taageero dhanka cirka ah ay rasaas is weydaarsadeen ragga afduubka geystay goob keyn ah oo gobolkaasi ku taalla. Dowladda Ayaa waxaa haysta cadaadis ku aadan sidii ay ula dagaalami lahayd kooxda Boko Haram ee dalkaasi ka howlgala. Waa in xukuumadu ay muujisaa in ciidamada ammaanka ay la tacaalayaan xaaladdan adag ee halkaasi ka taagan. Waxaa sii kordhaya carada ku aadan ammaan darada iyo dhibaaatada ay dalkaasi ku hayaan kooxda Boko Xaram ee ka howlgasha. Waxaa xaaladda sii murjiyay ka dib markii dagaalyahanno Jihaad-doon ah ay bishii aanu soo dhaafnay tira dad beeraley ah ku dileeen gobolka Borno. Sabtidii madaxwayne Buhari ayaa waxaa uu cambaareeyay weerarkii loo geystay iskuul ay dowladda leedahay oo lagu dhigto Seyniska kaasi oo ku yaalla Kankara islamarkana waxaa laamaha ammaanka uu ku amray inay soo qabtaan dadkii weerarka geystay. Waxaa ilaa iyo imika la la'yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen boqollaal ka mid ah ardeydii dhiganaysay iskuulkaasi ku yaalla gobolka katsina. Iskuulkan sare ee ay dowladda ku leedahay gobolkaasi ayaa waxaa dhiganayay ardey gaareysa 800. Taliyaha booliiska Nigeria ayaa amray in ciidamo dheeraad ah loo daadgureeyo gobolka Katsina, halkaasi oo militariga iyo laamaha kale ee ammaanka ay la shaqeyn doonaan. Dhanka kale barasaabka gobolka Katsina Aminu Bello Massari ayaa amray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xiro dhammaan iskuulada ay habeenkii seexdaan ardeyda gobolkaasi. https://www.bbc.com/somali/war-55291779 +technology "Isticmaalka Telefoonka: Maxaad u ""argagaxdaa"" marka mobile-ka lagaa qaado?" "Ku dhowaad afar-meelood, meel ka mid ah dhallinyarada caalamka waxay ku tiirsan yihiin telefoonada casriga ah, taas oo noqotay wax ay qabatimaan, sida lagu ogaaday cilmi baaris ay sameeyeen dhaqaatiir ku taqasustay cilmu-nafsiga. Cilmi barista oo uu hoggaminayay machadka King's College ee London, waxaa lagu sheegay in dabeecadaha qabatinka leh ay sababeen in dhallinta ay ""argagaxaan"" marka laga qaado mobile-ka. Sidoo kale, da'yartan naftooda kama xakameyn karaan waqtiga ay ku bixiyaan isticmaalka telefoonka casriga ah. Dhaqaatiirta waxay ka digayaan in qabatinka noocaas ah uu yeelan karo ""cawaaqib aad u xun"" oo ah in uu dhibaato u geysan karo caafimaadka maskaxda. Cilmi baarista waxaa lagu eegay 41 warbixin oo lagu baaray caafimaadka 42,000 oo dhallinyaro ah. Waxaa la baaray ""dhibaatada ka dhalata isticmaalka telfoonnada casriga ah"". Waxaa la helay in boqolkiiba 23% uu keeno isbedel dabeecadeed oo si joogto ah u soo noqnoqda - waxaa ka mid ah, walwal la xiriira in mar uun telefoonka laga qaado oo ay isticmaali waayaan ama akhrinta farriimaha ay shaqeyn waayaan - kuwaas oo dhibaato ku ah waxyaabihii kale ee dhallintan ay qaban lahaayeen. Dhaqanka noocaas ah wuxuu xiriir la lahaan karaa dhibaatooyiin kale ee caafimaad, sida warbixinta lagu sheegay. Waxaa ka mid ah, walbahaar, murugo, hurdo la'aan iyo damiinnimo. ""Telefoonnada casriga ah, waa in la iska daayo, lana fahmo dhibaatada uu isticmaalkoodu leeyahay,"" waxaa sidaa sheegay mid ka mid ah dadka qoray warbixinta, Nicola Kalk, oo ka tirsan qeybta Barashada Cilmu-nafsiga ee King's College, London. ""Weli makala cadda in telefoonka uu yahay dhibaatada ama barnaamijyada lagu shubo ee dadku isticmaalaan,"" ayuu hadalka ku daray Dr Kalk. ""Sikastaba, waxaa loo baahan yahay wacyigelin dadweyne oo la xiriirta telefoonnada casriga ah iyo wixii gudahooda ku jiro iyo isticmaalka carruurta iyo dhallinyarada. Waalidiintu waa in ay ka warhayaan wakhtiga ay carruurtooda ku bixinayaan isticmaalka mobile-lada."" Samantha Sohn oo wax ka qortay warbixinta cilmi-baarista waxay sheegtay in qabatinka ""uu yeelan karo cawaaqib aad u xun oo caafimaadka maskaxda ah iyo sida ay maalin kasta u falgasho maskaxda. Waxaana loo baahan yahay baaritaan dheeraad ah in lagu sameeyo dhibaatada adeegsiga telefoonnada"". Balse, Amy Orben, oo ah baare caafimaad oo ka tirsan jaamacadda Cambridge, waxay ka digtay in la maleysto in xiriir caadi ah uu ka dhexeeyo dhibaatada telefoonnada casriga ah iyo walbahaarka. ""Waxaa horey loo caddeeyay in saameynta telefoonnada casriga ah, aysan ahayn hal dhinac oo keli ah, balse in sida ay tahay niyadda qofka ay keeni karto isticmaalka badan ee mobile-ka,"" ayey tiri Dr Orben." https://www.bbc.com/somali/war-58523122 +politics Maxay dowladaha Afrika hawada uga saaraan Internet-ka? Facebook, Twitter ama WhatsApp toona ma shaqeynayaan! Arrintaasi ayaa mid iska caadi ah ka noqotay dalal badan oo ku yaalla Afrika iyadoo dowladuhu ay mararka qaar xannibaan internet-ka iyo adeegsiga baraha bulshada. Uganda ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee xayiraadaasi soo rogo ka hor doorashadii dalkaasi ka qabsoontay 14-kii bisha January. Kuwa u doodo xuquuda isticmaalka internet-ka ayaa sheegaya in tallaabooyinkaasi ay yihiin kuwa wax cubburinaya, balse dowladaha ayaa inta badan ku doodo in tallaabooyinkaasi ay gacan ka gaystaan sugidda amniga. Dowladda ayaa xaddidi karta isticmaalka Internet-ka iyadoo amarkaasi siinayso shirkadaha bixiyo adeegyada internet-ka. Dalka Uganda tusaale ahaan, dadka isticmaala baraha bulshada ayaa marka hore soo weriyay inay caqabada kala kulmeen isticmaalka webste-yada qarkood. Kadibna dowladda ayaa sheegtay inay amar ku siisay kuwa bixiya adeegyada internet-ka inay xannibaan baraha bulshada, waxaana taasi xigtay amar kale oo ah in la xayiro guud ahaan isticmaalka internet-ka 13-kii January. Hay'adda la socodka howlaha Internetka ee Netblocks ayaa ku soo warrantay in internet-ka isticmalkiisa uu hoos u dhacay dalka Uganda wixii intaas ka dambeeyay. kiisaska dalalka xayiray adeegyada internetka ee qaaradda Afrika ayaa sare u sii kacaysay. Tanzania ayaa xayirtay isticmaalka baraha bulshada intii ay socotay doorashada dalkaasi ka dhacday bishii Oktoobar 2020. Bishii June ee sanadkan, Itoobiya ayaa xayiraad ku soo rogtay Internetka muddo bil ah. Waxay ka dambeysay rabshadihii dalkaasi ka dhacay ka dib dilkii fannaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa. Zimbabwe, Togo, Burundi, Chad, Mali iyo Guinea ayaa sidoo kale marar kala duwan sanadkan xayiray isticmaalka baraha bulshada. Sanaddii 2019-kii waxaa la diwaangeliyay 25 jeer oo dalal kala duwan oo Afrka ay xireen internet-ka, halka 2018-kiina la diwaangeliyay 20 kiis, 2017-kiina 12 jeer, sida laga soo xigtay Access Now, oo ah koox madax bannaan oo la socoto isticmaalka internet-ka. Dhammaan dalalka xiray interntka waxay amar siinayeen shirkadaha bixiya adeegyada kuwaasoo iyagana ku khasban inay u hoggaansanaadaan ammaradaasi. In dowladaha ay xannibaan internet-ka waxay ku xiran tahay awoodda ay saaraan shirkadaha isgaarsiinta ee dalalkooda ka shaqeeya iyo sida ay awaamirtaasi u qaataan. Shirkadahaasi waxaa shatiga siiyo dowladaha, taasoo ka dhigan inay wajihi karaan ganaax iyo in shatiga lagala nqodo haddii ay dalabka dowladda iska diidaan. Shirkadaha waxay xaq u leeyihiin inay racfaan geeyaan maxkamadaha , balse inta badan sidaasi ma yeelaan. Si kastaba ha hatee, waxaa jira kiisas naadir ah oo maxkamadaha la geeyay. Sanaddii 2019-kii, maxkamad ku taalla dalka Zimbabwe ayaa amar ku bixisay in internetka ay dowladda xirtay dib loo furo. Iyadoo taasi ka jawaabeysa ayay dowladduna waxay soo rogtay sharciyo cusub oo ay ku adkeyneyso awoodda ay u leedahay inay xadiddo adeegsiga baraha bulshada. Wasiirka arrimaha warfaafinta Zimbabwe Monica Mutsvangwa ayaa sheegay in dowladdu ay masuuliyad ka saran tahay inay hubisa in internet-ka loo isticmaalo si wanaagsan oo aan wax u dhimeynin ammaanka qaranka. Haddii aan internetka gabi ahaantiisaba la xirin, waxaa jira qaabab ay dadweynaha uga wareegan karaan xayiraadda dowladda si ay u isticmaalaan bogagga ay daneynayaan. Qaar ka mid ah dowladaha Afrika ayaa ku dooday in sare u kaca 'wararka beenabuurka ah' uu sabab u yahay dhaqangelinta xayiraadaha. Balse mucaaradka ayaa qaba in taasi ay tahay qiil aan waxba ka jirin oo ay dowladdu ku baneysaneysa inay ku cubburisa dadka ka aragti duwan. https://www.bbc.com/somali/war-55617554 +sports Mo Farah oo jabiyey rikoodhka dunida ee masaafad saacad lagu ordi karo "Mo Farah oo ku soo noqday ciyaaraha orodada afar goorna noqday horyaalka Olombigga, ayaa jabiyey rikoodhka dunida ee masaafada qof ordi karo muddo saacad ah, waxaanu ku jabiyey tartanka la yidhaa Diamond League oo lagu qabtay magaalada Brussels Jimcihii. Farah ayaa jaray masaafo dhan 21,330 mitir waxaanu sidaa ku jabiyey rikoodhkii uu dhigay sannadkii 2007 Haile Gebrselassie oo ahaa 21,285 mitir. ""Wax fudud looma haysan in la jabiyo rikoodhka dunida laakiin waxaan kuu sheegi karaa waa in ay runtii adkayd. Rikoodhkani wuxuu jiray muddo dheer"" ayuu yidhi Farah. ""Markaa arintaasina wax badan bay muujinaysaa. Aad baan ugu faraxsanaa inaan tartannada ku soo noqdo. Waxa ugu weyn ee i dhiirri gelinayey wuxuu ahaa ku soo noqoshada tartanka"". Rashford oo sameeyey guddi caawinaya carruurta gaajeysan Messi ma ku biirayaa Liverpool? Tartankan saacadda ah waxay ku tartamaan orodyahannadu masaafada ugu dheer ee qof ku ordi karo mudo lixdan daqiiqadood ah. Mar sii horaysay isla Jimcihii ayaa Sifan Hassan oo reer Netherlands ahi waxay iyaduna dhigtay rikoodh cusub oo tartanka haweenka ah. Masaafada ay oroday oo ah 18,930 mitir waxay dhaaftay rikoodhkii ay dhigtay Dire Tune sannadkii 2008 oo ahayd 18,517 mitir. Farah wuxuu tartankii Olomigii Rio u wareegay dhanka orodada dhaadheer ee magaalooyinka dhexdooda ah, laakiin wuxuu dib ugu soo noqday orodada garoomada dhexdooda ah si uu ugu diyaar garoobo inuu ku tartamo 10,000 mitir sannadkan dambe ciyaarihii ka dhici lahaa Tokyo ee dib loo dhigay. Waa tartankii ugu horeeyey ee uu galo tan iyo bishii October ee Marathon kii Chigago. Waxaanu Farah daba ordayey Bashir Abdi oo Belgium ah sodonkii daqiiqo ee u dambeeyey. Ronaldinho oo xabsi-gurigii laga sii daayay Labadooba waxaa laga shakisanaa in aanay jabin doonin rikoodhkii uu dhigay Gebrselassie markay ordayeen garoonkaas oo aanay joogin taageerayaal dhiirri geliyaa. Laakiin rubuc saacihii ugu dambeeyey ayay dardar hor leh bilaabeen. Abdi ayaa markii hore hogaanka u hayey laakiin kama dambaystii ayaa Farah oo lix goor ku guulaystay horyaalka dunidu mijaha kala bixiyey oo uu si sahlan u guulaystay. Wuxuu ku dhameeyey 53 wareeg midkiiba celcelis ahaan 67 ilbidhiqsi waxaanu sidaa ku noqday orodyahankii 12 ee rikoodhkaa qaata. ""Mar ayaa iyada oo 10 wareeg hadhsanyihiin ayey xaaladdu igu adkaatay laakiin waxaan ku farxay in Bashiir hogaanka qabtay markiiba"" ayuu yidhi Farah. "" Laakiin farxad baan dareemay markii daqiiqad keli ahi hadhsanayd waxaanan kalsooni ku qabay xawaarahayga oo waxaan ogaa in aan fursad fiican oo aan ku guulaysto haysto. Wareega ugu dambeeyaa had iyo goor waa xarfaddayda ugu fiican"" ayuu intaa ku daray. Farah waxa uu ku noqon doonaa orodada dhaadheer ee wadooyinka marka uu ka qayb galo tartanka nus Marathon ka Antrim Coast ee dhici doona 12 Sebtember. Ka dib na wuxuu horseed ugu noqon doonaa ugu noqon doonaa ninka haysta rikoodhka dunida ee reer Kenya, Eliud Kipchoge iyo Kenenisa Bekele oo reer Itoobiya ah Marathon-ka London ee dib loo dhigay 4 Oktoobar." https://www.bbc.com/somali/54039663 +politics Raashinka ugu dambeeya ee la siiyo dadka dilka ku xukuman ee Mareykanka "Si aan wax badan uga fahanno sharciga maxaabiista dilka lagu xukumo ee dalka Mareykanka, Sawir-qaade Jackie Black ayaa sawirradan ka diyaariyay raashinka ugu dambeeya ee ay codsadaan maxaabiista toogashada sugaya, ka hor inta aan la dilin. ""Bal ka warran haddii lagu dhaho codso raashinkaagii ugu dambeeyay ee aad cuneysid ka hor inta aan laguu dilin dambi ay suurtagal tahay inaad gashay ama aadan galinba?"" waa su'aashii uu howshiisa saldhigga uga dhigay sawir-qaadaha Mareykanka ah. ""Haddii aan cuntooyinkaas is hordhigi lahayn, laga yaabee inaan dareemi kari lahayn xaaladdaas. ""Waxaa laga yaabaa inaan su'aal galin lahayn ujeeddooyinka aan ka leennahay waaxda caddaaladda iyo sida aan ugu lug leennahay habka ay ku shaqeyso. ""Waxaa suuragal ah inaan garab istaagi lahayn qofka la cambaareeyay."" Sawir-qaade Black waxa uu sidoo kale isku soo aruuriyay xogta maxaabiista, oo ay ka mid yihiin muddadii ay wax baranayeen, waxa ay ka shaqeyn jireen iyo hadalladoodii ugu dambeeyay. Xilligii la dilay: 16 June 1997 Waqtiga uu wax baranayay: Siddeed sano Shaqadiisa: Howl-wadeennada ku shaqeeya qalabka culus/Farsamada alwaaxyada iyo dhismaha Hadalkiisii ugu dambeeyay: ""Aad baan uga xumahay qofka idinka dhintay... Laakiin anigu cidna ma dilin."" Xilligii la dilay: 13 May 1997 Waqtiga uu wax baranayay: Siddeed sano Shaqadiisa: Xamaali Hadalkiisii ugu dambeeyay: ""Waxaan rabaa inaad ogaataan inaan cidna dilin. Waan idin jeclahay dhammaantiin."" Xilligii la dilay: 30 October 1984 Waqtiga uu wax baranayay: Lama diiwaan galinin Shaqadiisa: Shaqaalaha ceelasha saliidda qoda Hadalkiisii ugu dambeeyay: ""Waxaan rajeynayaa inaan maalin maalmaha kamid ah dib u milicsan doonno waxyaabaha xun xun ee aan sameyneyno hadda, sida sixirooleyaashii aan gubnay. Waxaan doonayaa in qof walba uu ogaado inaanan waxba u qabin. Waan wada cafiyay. Waxaan rajeynayaa in qof walba oo aan wax ka halleeyay uu i cafin doono. ""Maantoo dhan waxaan u duceynayay [qofka dhintay] xaaskiisa, si ay xumaanta qalbigeeda ku jira isaga saarto, sababtoo ah xumaantaas qalbigeeda ku jirta ayey cadaab ku gali kartaa sida dambiyada kale loogu galo naarta. Raalligalin ayaan siinayaa qof walba oo aan khalad ka galay. Waxaan rajeynayaa inay dhammaantood i cafiyaan."" Xilligii la dilay: 19 September 1991 Waqtiga uu wax baranayay: 10 sano Shaqadiisa: Fannaan Hadalkiisii ugu dambeeyay: Waxaa la sheegay inuu hadlayay saddex daqiiqo, laakiin qorin hadalkiisii, lamana duubin codkiisa. Xilligii la dilay: 16 April 1986 Waqtiga uu wax baranayay: Lama diiwaan galinin Shaqadiisa: Lama diiwaan galininNot listed Hadalkiisii ugu dambeeyay: ""Waan ka xumahay wixii aan sameeyay. Waan u qalmaa ciqaabtan. Jesus i cafi."" Xilligii la dilay: 11 February 1992 Waqtiga uu wax baranayay: Toddobo sano Shaqadiisa: Xamaali Hadalkiisii ugu dambeeyay: ""Waxaan jeclaan lahaa inaan qoyskeyga uga mahadceliyo jacaylka ay ii qabeen iyo sida ay ii xannaaneeyeen. Adduunka intiisa kalena...[wuu caayay]. Xilligii la dilay: 14 September 1999 Waqtiga uu wax baranayay: Toddobo sano Shaqadiisa: Farsamo-yaqaanka dayactira saqafka guryaha Hadalkiisii ugu dambeeyay: ""Waxaan jeclaan lahaa inaan qoyskeyga u sheego sida aan uga xumahay xanuunka ay kala kulmeen ficilladii aan sameeyay... Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo dhammaan ragga u xidhan toogashada ee jacaylka ii muujiyay muddadii sannadaha ahayd. ""Waxaan rajeynayaa in meydkeyga oo aan ugu deeqay seynisyahannada qeybo ka mid ah loo adeegsan doono in qof lagu caawiyo... Intaas ayaan dhihi karaa, taliye. Oh, Gabagabadii, waxaan leeyahay, maxay yihiin Cowboy-yadaas?"" Xilligii la dilay: 22 October 2001 Waqtiga uu wax baranayay: 10 sano Shaqadiisa: Farsamada alwaaxyada iyo dhismaha Hadalkiisii ugu dambeeyay: ""Waan ka xumahay xanuunka. Waan ka xumahay qofka aan idinka dilay. Alle ayaan cafis weydiisanayaa. Idinkana waan idin weydiisanayaa. Waan ogahay inay idinku adkaan karto. Balse waan ka xumahay wixii aan sameeyay. ""Qoyskeyga waxaan leeyahay, kulligiin waan idin jeclahay. Is adkeeya. Ogaada inuu jacaylkeyga idinla jiro, mar walba. Illin farxadeed ii daadiya. Ninkan wuxuu codsaday in raashinkiisa ugu dambeeya la siiyo qof hoy la'aan ah, ama darbijiif ah. Laakiin codsigiisa waa laga diiday. Xilligii la dilay: 28 May 1997 Waqtiga uu wax baranayay: 12 sano Shaqadiisa: Cunto kariye Hadalkiisii ugu dambeeyay:""Waan idinka raalligalinayaa dadka idinka dhintay iyo xanuunka idin haya. Laakiin anigu dadkaas ma aanan dilin. Waxaan rajeynayaa inaan dhammaanteen wax iska baran doonno. Iyo inaan baran doonno sida loo joojiyo naceybka iyo aargoosiga, aana u midowno sidii loo eegi lahaa waxa ka socda adduunkan. ""Waan cafiyay qof walba oo ku lug lahaa arrintan, oo u muuqata inay khaldan tahay."" Xilligii la dilay: 9 December 1999 Waqtiga uu wax baranayay: 15 sano Shaqadiisa: Farsamo-yaqaanka Mootooyinka Kaddib markii dacwaddiisa la qaaday, markhaatigii ugu muhiimsanaa ee dacwad oogeyaasha ayaa diiday inuu ku markhaati furo, saddex kamid ah xubnaha dacwadda dhageysanayayna waxay soo jeediyeen in loo naxariisto. Hadalkiisii ugu dambeeyay: ""Waxaan rabaa inaan ku billaabo muujinta jacaylkii ay qoyskeyga ii hayeen. Ma jiro nin adduunkan ku nool oo iga qoys fiican aniga. Waxaan lahaa waalidiinta ugu wanaagsan dunida. Waxaan heystay nolosha ugu wanaagsan adduunka ee uu nin heli karo. Aad baan ugu faanayaa wiilkeyga iyo gabadheyda. ""[Waxaa jira] dhowr arrimood oo aan rabo inaan ka hadlo, maadaama xilligan uu yahay waqtiga yar ee qof walba uu dhageysanayo waxa aan sheegayo. Mareykanku wuxuu joogaa [heer] maanta [aysan jirin] qaddarin loo hayo nafta bani'aadanka. Geerideydu waa calaamad muujineysa cudur intan kasii weyn. Sidaas si lamid ah, dowladdu waa inay hurdada ka kacdo oo ay joojiso sameynta waxyaabaha lagu burburinayo dalalka kale iyo dilka carruurta aan waxba galabsanin. Cunaqabateynta raashinka iyo hubka ee hadda lagu hayo dalalka ay ka mid yihiin Iiraan, Ciraaq, Cuqa iyo meelo kale - waxba kama baddali doonaan adduunka waxayna dhibaateynayaan carruur masaakiin ah. ""Arrinta laga yaabo inay taas siyaabo badan uga muhiimsan tahay waa in waxa aan ku sameyneyso deegaanka ay sababayaan musiibo weyn, sababtoo ah inta aan ku sii soconno jihada aan haddo ku sii jeedno natiijadeedu waxba kama tareyso sida aan ula dhaqmeyno dadka kale, waayo qof walba sidaas ayuu uga tagayaa adduunka. ""Mid ka mid ah siyaabaha ugu yar ee ay runta bannaanka ugu soo baxdo, ama dadku ay mar uun ku ogaanayaan waxa socda [waa] ilaa inta aan ka taageereyno xorriyadda saxaafadda. Waxaan arkaa in saxaafaddu ay dhibaato ku wajahayaan sidii ay xor u noqon lahaayeen."" Raashinka ugu dambeeya ee maxaabiista dilka u xidhan ay codsadaan waxaa taariikhdiisa laga heli karaa Madxafka Parrish Art, oo ku yaalla magaalada New York, ilaa31 January 2021. Dhammaansawirradu waxay leeyihiin xuquuq." https://www.bbc.com/somali/war-53811096 +sports Lionel Messi: Ma si dhab ah ayuu u dhammaaday waayihii weeraryahanka reer Argentine ee Barcelona? """Messi ma sii joogi doono"". Bayaan ay maamulka kooxda Barcelona shaaciyeen wax yar ka hor 8pm ee waqtiga Spain, fiidnimadii Khamiista, wuxuu lama filaan ku noqday taageerayaasha kubadda cagta ee adduunka. Ciyaartoyga u dhashay Argentine ee 34 jirka ah, oo xor ahaa tan iyo 1-dii bishii July, ayaa lagu waday inuu heshiis cusub u saxiixo Barca, si uu u sii kordhiyo waqtigii 21-ka sano ahaa ee uu ku sugnaa garoonka Nou Camp. Barca ayaa sheegtay in saxiixa heshiiska la filayay Khamiistii, laakiin ""xaaladda dhaqaale ee kooxda ka tirsan horyaalka Spain iyo caqabadaha heysta"" ayaa hor istaagay tallaabadaas. Hadda muxuu sameyn doonaa ciyaartoyga lixda jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or? Arrintani ma waxay dhab ahaantii ka dhigan tahay gabogabada waayaha Messi ee Barca, mise waxaa jira xal kama dambeys ah? Horaantii bishan, qoraaga wax ka qora kubadda cagta ee dalka Spain, Guillem Balague, ayaa shaaca ka qaaday in Messi uu oggolaaday heshiis soconaya ilaa sanadka 2026-ka, kaasoo ay qayb ka ahayd in kalabar laga dhimo mushaarkii uu horay u qaadan jiray. Balse Barca ayaa u baahneyd inay iibiso ciyaartoy si ay dhaqaalahaas u hesho - iyo in ay yareyso mushaarka ay bixiso oo hoos loo dhigo ilaa 200m euros (£172m). Tallaabadaas waxaa loo qaadayay si ay u waafaqaan sharciga dhaqaalaha lagu bixiyo ciyaaraha ee Spain - walina lama hirgelinin. Antoine Griezmann, Ousmane Dembele iyo Philippe Coutinho - iyo ciyaartoy kale - ayaa wali howshan sugaya. Mar uu la hadlayay barnaamijka ciyaaraha ee BBC Radio 5 ayuu Balague yidhi: ""Barca waxay ku khasbaneyd inay hesho fikrad ay ku bixiso mushaarka Messi iyo gunnooyinkiisa, mar walba oo aan weydiiyo 'sidee ayaad taas u sameyn kartaan idinkoo awoodin inaad diiwaan gelisaan ciyaartoy cusub oo aad bilaash kusoo qaadateen?' jawaabtoodu waxay ahayd 'na aamin kaliya'. 2Farriinta dhinaca Messi waxay ahayd 'wax yar sug'. Laporta [madaxweynaha Barca] wuxuu qabay rajo, dhanka Messi rajadu way yareyd. Laakiin hal mar xitaa lama dhihin suurtagal ma aha. ""Hadda waxaa la xaqiijiyay in aysan macquul ahayn in la helo hab ay arrintaas ku dhacdo. Balse uma maleynayo inay halkaas ku dhammaatay."" Xaaladda dhaqaale ee kooxda ""si daran ayay u xun tahay"", sida uu sheegay Ernest Macia oo ka tirsan Idaacadda Radio Catalunya. Wuxuu BBC-da u sheegay in qof walba uu wali isku dayayo inuu ka fikiro sida ay xaaladda noqon karto Messi la'aantiis. Hal sano ka hor ayay ahayd markii uu Messi sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii uu u noqon lahaa ciyaartoy si xor ah ugu wareegi kara kooxda uu doono, laakiin Barca ayaa sheegtay in ciddii iibsaneysa ay bixin doonto lacag dhan 700m euros (£624m), Hadda ma jiraan xujooyin noocaas ah. Muddo dheer ayaa la hadal hayay inuu dib ula midoobi doono tababarihii hore ee Barca Pep Guardiola, oo hadda ku sugan Manchester City. Laakiin hadda oo City ay Jack Grealish ku iibsatay lacagtii ugu badneyd ee abid ciyaartoy looga iibsado Britain, oo ah £100m, walina lala xiriirinayo inay lacag badan ku raadinayso weeraryahanka Tottenham ee lagu magacaabo Harry Kane, Balague uma maleynayo in kooxda heysata horyaalka Premier League ""ay kharash u heli doonto Messi"". ""Uma maleynayo in City ay hadda heli karto dhaqaalahaas, dhammaanteenna waxaan ka shakisan nahay in kooxda sidaas sameyn karta ay tahay Paris St-Germain."" Horay waxay PSG u sheegtay in haddii uu Messi diyaar noqdo ay bangigooda ku jirto lacag ku filan inay ku bixiyaan mushaarkiisa. ""Natiijada waxay wali noqon kartaa inuu Barca sii joogo, balse Messi ayay ku celin doonaan in ay ugu yaraan wax helaan haddii uu u wareegayo PSG."" Haddii aad boggan ka arkeyso app-ka BBC News fadlan guji halkan si aad u codeyso. click here to vote." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-58118057 +politics Mudaharaad caddaalad loogu raadinayo gabar Soomaali ah oo ka dhacay London Dibadbax ay dad badan ka qeyb galeen oo caddaalad loogu dalbanayo gabar yar oo Soomaali ah ayaa maanta ka dhacay magaalada London. Gabdha yar ee caddaaladda loo raadinayo ayaa dhawaan geeriyootay, waxaana qoyskeedu ay sheegeen in dhimashadeeda ay ka dambeysay dhibaateyn badan oo loogu geystay Iskuulkii ay dhiganeysay. Shukri Cabdi ayaa la sheegay in muddo dhowr bilood ah lagu dhibaateynayay goobtii ay waxbarashada u joogtay. Dadka dibadbaxa ka qeyb qaadanayay ayaa isugu tagay bannaanka hore ee xafiiska ra'iisul wasaaraha UK. Waxa ay sidoo kale ku wareegeen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada, iyagoo sitay boorar uu ku qoran yahay halkudhigga ka turjumaya ujeeddada mudaharaadka. Meydka Shukri ayaa 27-kii bishii Juun laga helay wabiga Irwell, kaddib markii ay boolisku sameeyeen howlgal baadigoob ah. Hooyadeed oo lagu magacaabo Zamzam Tuure ayaa qeylo dhaan u gudbisay laamaha ammaanka, markii ay gabadheeda iskuulka kasoo laaban weyday. Dhibaatooyinka foorjada iyo qashqashaadda ah ee loo geysto ardayda ayaa sababa musiibooyin ay ka mid yihiin dhimasho iyo xanuunnada dhinaca dhimirka ah. https://www.bbc.com/somali/war-49022535 +technology Norway: Muxuu yahay dhagaxa iftiimaya ee hawada ka soo dhacaya? "Dadka reer Norway waxaa amakaag ku reeb walxo iftiimaya oo ka soo dhacaya cirka, xilliga habeenkii kaasi oo lagu arkay koonfur-bari dalkaas. Muuqaalada ayaa muujinaya iftiin xoog leh oo aad mooddo xiddig oo cirka ka soo dhacaya, waxaana xigay, sida ay dad goobjoogayaal ah sheegeen, dhawaqyo culus oo la maqlay Axadii. Booliska dalka Norway ayaa sheegay in ay heleen wicitaano badan oo gurmad lagu dalbanayay laakiin ma jirin wax war ah oo ku saabsan in waxyeelo ay ka dhalatay walxaha dhagaxa u eg ee cirka ka soo dhacay. Koox khubaro ah ayaa baadi goobaya walxahan iftiimayay, waxayna aaminsan yihiin inuu ku dhacay keymo u dhow caasimada Norway ee Oslo. Walxahan oo loo yaqaano Meteor waa dhagaxa hawada sare ka soo dhaca isaga oo ololaya, wuxuuna xawaare sare ku soo galaa dhulka. Waaxda Norway u qaabilsan dhagaxaanta noocan ah ayaa sheegtay in dhagaxan u eg sida kubbadda ee holcayay uu ahaa mid la arki karay, shan ilbidhiqsi ka dib markii uu soo gaaray dhulka. Vegard Rekaa oo ah khabiir reer Norway ah oo ku taqasusay cilmiga cirbixiyeenimada ayaa BBC u sheegay in xaaskiisa ay soo jeeday wakhtigaas. Waxayna maqashay ayuu yiri ""hawada oo ruxmaysa"" ka hor inta uusan qarxin, waxayna u qaadatay inuu yahay wax culus oo ku dhacaya guriga agtiisa. ""Koox khubaro ah ayaa loo diray aagga la rumeysan yahay in uu ku dhacay dhagaxa meteor"", ayuu raaciyay hadalka Baaritaan hordhac ah ayaa muujinaya in laga yaabo in dhagaxa uu ku dhacay dhul kayn ah oo lagu magacaabo Finnemarka, oo qiyaastii 60km galbeedka kaga began magaalada Oslo. Khubarada ku taqasusay meteor-ka waxay sheegeen in culeyska dhagaxan soo dhacay uu noqon karo ugu yaraan 10kg." https://www.bbc.com/somali/war-57966523 +politics Trump oo lala cararay kaddib markii qof lagu toogtay meel u dhow Aqalka Cad "Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in qof lagu toogtay goob u dhow Aqallka Mareykanka, kaddib markii uu ka baxay shir jaraa'id. Mr Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay ""iney u muuqato in haatan xaaladda la xakameeyay"". Trump ayaa shirka jaraa'id lagala carayay markii ay arrinta dhacday balse wax yar kaddib ayaa dib u soo muuqday kaddib markii mid ka mid ah ilaaladiisa uu goobta shirka jaraa'id ku soo hogamiyay. Waxaa la maqlayay Trump oo oranaya ""Oh!"" ""Maxaa dhacaya"" markii uu ka sii dhaadhacay qolka shirka jaraa'id. Madaxweynaha oo ku guda jira shirka jaraa'id ayaa waxaa ka soo dhex-galay mid ka mid ilaaladiisa, waxa uuna dhagta ugu sheegay dhacdada. Markii uu dib u soo laabtay sagaal daqiiqo kaddib, madaxweynaha ayaa weriyeyaasha u sheegay inuu aaminsan yahay in ilaalada qarsoon ay toogteen qof hubeysnaa oo laga shakiyay. Waxa uu sheegay in qof isbitaalka la geeyay dhacdada kaddib. Mr Trump ayaa garwaaqsaday iney ahayd xaalad aan caadi ahayn, balse waxa uu ammaan kala dul-dhacay ciidamada ilaalada ee qarsoon. Dhanka kale ciidammada qarsoon ayaa sheegay iney xaqiijiyeen in mid ciidammadooda ka tirsan uu qof ku toogtay waddada 17-naad iyo aagga Pennsylvania." https://www.bbc.com/somali/war-53730523 +politics Afrikaankii ugu horeeyay ee hawada sare tagi lahaa oo geeriyooday "Nin u dhashay dalka Koonfur Afrika oo ahaa ninkii ugu horreeyey ee Afrikaan Madoow ah oo ku guulaystay fursad uu ku tago hawada sare, islamarkaasna noqda cirbixiyeen ayaa shil ku geeriyooday ka hor inta aanu riyadiisii xaqiijin. Mandla Maseko, oo 30 jir ahaa, ayaa Sabtidii dhintay, sida ay qoyskiisu sheegeen. Sannadkii 2013-kii, ayaa ninkan oo xubin ka ahaa ciidamada cirka ee Koonfur Afrika waxa uu dad gaaraya hal milyan kaga guulaystay in uu ka mid noqdo 23 fursadood oo ka bannaanaa Akaadeemiyadda hawada sare ee Maraykanka. Ninkan ayaa lagu naynaasi jiray Afronaut iyo Spaceboy, Maseko ayaana ka soo jeeday magaalada Pretoria. Toddobaad ayuu soo joogay xarunta Kennedy Space Centre ee kutaal gobolka Florida asagoo samaynayey tijaabooyin uu ugu diyaar garoobayey in uu raaco dayax gacmeed saacad qaadanayey. Maseko ayaa horay u sheegay in uu doonayo in uu sameeyo waxyaabo uu ku dhiirri galinayo dadka da'yarta ah. Waxa uu BBC-da u sheegay in uu qorshaynayo in uu hawada sare kasoo Waco. ""Waxaan ku rajo waynahay in aan helo khad la isticmaali doono sanooyin badan oo soo socda - sida Neil Armstrong uu sameeyey oo kale,"" ayuu yidhi. Ninkaas ayaa ahaa nin sahamiya hawada sare oo Maraykanka u dhashay, kaas oo 82 jir ku geeriyooday sannadkii 2012-kii, waxa uuna ahaa ninkii ugu horreeyey ee abid cagaha dhiga ama ku lugeeya dayaxa sannadkii 1969-kii. Markii ugu horreeysay ee uu gacaha dhigo dayaxa, ayuu yidhi oraahdiisii caanka noqotay ee ahayd: "" Tallaabadaas yar ee qof bani aadam ahi uu qaaday, waa horumar weyn oo aadanaha oo dhami ay gaareen.""" https://www.bbc.com/somali/war-48904067 +politics Nin 'fal argagax leh' geystay oo loo qalqaalinayo in deg deg lagu daldalo "Kumannaan kun oo kufsi ayaa sanad walba laga soo tabiyaa dalka Hindiya, laakiin falalkaas qaarkood waxay argagax weyn ku abuuraan qaranka oo dhan - cid walba oo maqashana way dhibsataa -marka loo eego dadka lagu bartilmaameedsaday. Mid ka mid ah kiisaska sida weyn looga naxay ee kufsiga ah ayaa Isniintii ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Delhi. Nin da'diisa lagu qiyaasay 30-meeyo ayaa loo xidhay kufsi uu u geystay haweeney ayeeyo ah, oo jirta 86 sano. ""Haweeneydu waxay maqribnimadii Isniinta gurigeeda hortiisa ku sugeysay ninka caanaha iibiya markii uu u yimid ninka weerarka u geystay,"" ayey tidhi Swati Maliwal, oo ah madaxa Golaha Haweenka ee magaalada Delhi, mar ay la hadleysay BBC-da. ""Wuxuu u sheegay in uusan imaaneynin ninkii sida joogtada ah caanaha u keeni jiray xaafadda, wuxuuna u ballan qaaday inuu geynayo meel ay caano ka heli karto."" ""Haweeneyda waayeelka ah way aamintay hadalkiisa, wayna raacday,"" ayey tidhi Ms Maliwal, iyadoo intaas ku dartay inuu geeyay meel beer ah, halkaasna uu ku kufsaday. ""Wax badan ayey oysay iyadoo ka baryeysa inuu iska dhaafo. Waxay u sheegtay inay ayeeyadiis oo kale tahay. Laakiin wuu iska dhaga tiray baryadeeda, si naxariis darro ah ayuuna u kufsaday iyadoo isku dayeysa inay iska celiso,"" ayey tidhi Ms Maliwal. Dadkii xaafadda ee agagaarkaas marayay ayaa maqlay oohinteeda, wayna badbaadiyeen. Ninkii falka geystay waxay ku wareejiyeen booliska. Ms Maliwal, oo Talaadadii booqatay haweeneyda dhibbanaha ah, ayaa la kulankeeda ku tilmaantay ""qalbi-jab"". ""Gacmaheeda waxaa ka muuqda duqnimo aad ah. Waad argagaxeysaa marka aad maqashid waxa ku dhacay. Wajigeeda iyo jidhkeeda oo dhan waxaa ka muuqday xagtin, waxayna ii sheegtay inay ka dhiig baxeyso xubinta taranka. Waxay aad ula dhibaatooneysaa xanuun dhanka maskaxda kasoo gaadhay."" Ms Maliwal ayaa dalbatay in xukun dil ah lagu rido ninka haweeneyda waayeelka ah kufsaday, kaasoo ay ku tilmaantay ""in uusan bani'aadan ahay"". ""Waxaan warqad u qorayaa madaxa caddaaladda ee ka howl gala maxkamadda sare ee Delhi iyo duqa magaalada, anigoo ka codsanaya in la dardar galiyo dacwadda ninkan, laguna daldalo lix bilood gudahood,"" ayey tidhi. Falalka kufsiga iyo tacaddiyada dhinaca galmada ayaa aad ugu badanayay dalka Hindiya tan iyo bishii December ee sanadkii 2012-kii, markaasoo gabadhad ardayday ahayd, oo 23 jir ahayd lagu sameeyay kufsi wadareed, xilli ay saarnayed bas socday bartamaha magaalada Delhi. Waxay dhaawacyadii weerarkaas kasoo gaadhay u geeriyootay dhowr maalmood kaddib. Afar ka mid ah raggii lagu eedeeyay dhacdadaas ayaa la daldalay bishii March ee sanadkan. Laakiin iyadoo la xoojiyay howlgallada ka dhanka ah falalka kufsiga, sharci adagna loo sameeyay, wali waxaa sii badanaya tirada kiisaska kufsiga. Sida laga soo xigtay waaxda qaran ee diiwaangalinta dambiyada, 33,977 kiis oo kufsi ah ayaa Hindiya ka dhacay sanadkii 2018-kii - taasina waxay ka dhigan tahay in dalkaas uu fal kufsi ah ka dhaco 15 daqiiqo oo kasta. Hase yeeshee, dadka u ol'oleeya la dagaallanka tacaddiyadaas waxay sheegeen in tiradi ay aad uga badan tahay inta la sheegay, ayna jiraan kiisas ka badan kuwa la ogyahay oo aan lasoo tabinin. Dhammaan falalkaas wararka laguma soo qaato, waxaa laga hadlaa oo kaliya kuwa sida arxan darrada ah loo geysto. Maalmihii lasoo dhaafay, xilli ay Hindiya dadaal adag ugu jirto la dagaallanka fayraska corona, waxaa lasoo tabiyay in darawal kaxeeya gawaadhida gurmadka degdegga ah uu kufsaday haweeney ka mid ah bukaannada Covid-19, taasoo uu usii waday isbitaalka. Bishii lasoo dhaafayna, gabadh 13 jir ah ayaa la helay meydkeeda la helay iyadoo la kufsaday kaddibna la dilay. Aabbeheed wuxuu sheegay in labada indhood laga bixiyay, carrabkana laga jaray. Sidoo kale bishii July, gabadh yar oo lix jir ah ayaa la afduubtay kaddibna la kufsaday, qofkii weerarka u geystayna wuxuu dhaawacyo halis ah gaadhsiiyay indhaheeda, si aysan u aqoonsanin isaga. Sida ay sheegeyso Yogita Bhayana, oo u doodda xuquuqda haweenka, ma jirto da' badbaadeysa. ""Waxaan la kulmay gabar hal bil kaliya jirta iyo dumar 60 dhaafay oo la kufsaday,"" ayey tidhi Ms Bhayana. Sanadkii 2013-kii baarlamaanka Hindiya wuxuu meel mariyay sharci adag oo lagu wajahayo tacaddiyada galmada." https://www.bbc.com/somali/war-54090660 +politics Saadaasha baaderiga iyo ololaha doorashada Mareykanka "Doorashada Mareykanka waxaa ka hartay 15 maalmood oo qura, halkan waxaa idiin kuugu soo gudbineynaa waxyaabaha haatan ka socda halkaas xilli dimuqraadiga iyo jamhuuriga uu ka dhex taagan yahay loolan doorasho. Dad badan oo isugu soo baxay ololaha doorashooyinka ayaa iska dhaga tiray talooyinka caafimaadka ee ka hortagga cudurka xilli tageerayaasha Trump la arkayay iyagoo buux dhaafiyay goobaha lagu qabanayo ololaha doorashada halka shirkadda TikTok ay meesha ay ka saartay muuqaallo maadeysi ah oo caro muujinayo. 1. Donald Trump wuxuu muddo labo maalmood ah uu booqasho ku tegay afar gobol, Isniintiina wuxuu soo maray labo goobood oo ku yaalla gobolka Arizona, waana gobol uu doonayo in uu guul kasoo hoyiyo doorashada. 2. Joe Biden isaga iyo gabadha uu awoowga u yahay Finnegan waxay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay gaareen gobolka North Carolina, waana gobolka uu sida weyn u doonayo in ku guuleysto codadka doorashada ee laga dhiibta halkaas. 3. Shirkadda TikTok waxay meesha ka saartay muuqaallo caro leh oo maadeysi oo ka dhan ah madaxweyne Trump kaddib markii baaritaan ay sameysay BBC-da lagu ogaaday in dadkii muuqaalladan soo dhigay bartaas ay lacago siisay shirkad qaabilsan xayeysiinta. Suuragal ma tahay in lagu shubto doorashada Mareykanka? Ilhaan Cumar oo lagu taageeray inay u istaagto doorashada Mareykanka ee 2020-ka Muwaadiniin Ruush ah oo lagu eedeyay faragelintii doorashada Mareykanka Trump weli waxaa looga horreeyay ra'yi uruurinta la sameeyay balse wuxuu isagana heystaa dad fara badan oo xamaasadeysan oo ka qeybgalaya ololahiisa doorashada, sawirkan hoose ee idiin muuqda wuxuu muujinayaa saameynta iyo sida laisugu soo baxay ololaha doorashada. Isticmaalka dadka badan si ay muran u geliyaan ra'yi uruurinta: Muuqaal muujinaya taageerayaasha Trump oo loo qeybiyay koofiyadda cas ee astaanta u ah ololahiisa doorashada si ay uu muujiyaan kalsoonida ah in laga hortaggo natiijada ra'iyi uruuriinta ee Trump ee looga horreeyo. Trump wiilkiisa Eric ayaa barta Twitter-ka soo dhigay sawirrada isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay gobolka Georgia kaas oo uu ku sheegayo ""Natiijada kasoo baxday sahanka waa khalad"" Waa kuwo xamaasadeysan: Trump iyo taageerayaashiisaba waa kuwo qiireysan oo si weyn usoo bandhigayo hal ku dhigyo marka ay ku sugan yihiin goobaha lagu qabanayo isu soo baxyada siyaasadeed inkasta oo ay u muuqdaan kuwa iska dhaga tirayo baaqyada ah inay kala fogaadaan marka ay ku sugan yihiin goobahaas, cabsi laga qabo cudurka dartiis. Kaniisad ku taalla gobolka Las Vegas ayaa waxaa kasoo baxay hadal uu muqdo inay dan ugu jirto Trump. Baaderi la yiraahdo Denise Goulet ayaa Trump ku tiri ""Abbaare 4.30, Ilaahey wuxuu ii sheegay 'Waxaan madaxweynaha guddoonsiin doonaa dabeyl labaad' oo ay ugala jeeddo cudurka Koroonaa oo dhawaan ku dhacay Trump, waxay sheegtay in madaxweynaha dib loo dooran doono. Trump wuxuu taageero xooggan ka heystaa Dadyowga aaminsan Kirishtanka Evangelical, sida ay muujineyso daraasad dhawaan la sameeyay, maadama uu ka shaqeeyay arrimo badan oo dan u ah dadyowgan." https://www.bbc.com/somali/war-54616782 +politics George Floyd: Dadka jabsada xogaha dadka ayaa soo laabtay xilli ay Mareykana xasilooni darro ka jirto "Iyada oo dalka Mareykanka ay ka taagan yihiin kacdoon shacab oo ballaadhan oo ka socda magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka, kooxa qarsoon ayaa billaabay iney jabsadaan xogaha koombiyuutarrada. Kooxahan ayaa ficilladooda ay xogaha ku jabsanayaan ama weerarradooda dhinaca interneetka ku bartilmaameystaan hay'adaha ay ku eedeynayaan caddaalad darro iney ku dhaqmaan. Sanada badan marki ay kooxahaasi aamusnaayeen, ayaa haatan waxay u muuqataa iney howlahooda dib u billaabeen, markii ay mudaharaadyada rabshadaha wata ka billowdeen Minneapolis kaddib dilki loo geystay George Floyd, iyagoo ballan qaaday iney kashifayaan ""dambiya badan"" oo ay booliska magaalada geysteen. Kooxahan wajiyadooda lama yaqaan, hogaamiyana ma laha. Waxaa keli ah oo la ogyahay iney yihiin dad badan oo howlahan oo keli ah ka mideysan. Iyada oo ay jirin qaab dhismeed dhexe oo ay amar ka qaataan, haddana qof weliba oo kooxdaasi ka mid ah wuxuu aaminsan yahay inuu kooxdaasi ka tirsan yahay. Taa waxay ka dhigan tahay xubnaha kooxdan ka tirsan iney ujeeddooyin kala duwan ay leeyihiin oo ay laheen hadaf mideeya oo la garanayo. Balse guud ahaan waxay iisu arkaan, iney yihiin dad u dhaqdhaqaaqa ka hortagga shaqsiyaadka ama madaxda awoodda ku takrifasha. Howlaha ay qabtaanna waxaa ka mid ah weerarro dhinaca interneetka iney geystaan oo ay u dhacaan shabakadaha iyo iney shabakadahaasi ay ku qasbaan iney xirmaan. Astaanta lagu gartana waxay tahay iney isticmaalaan maask nooca uu caanka ku ahaa Alan Moore ee filimanta badan lagu jilay. Weerarra badan oo dhinaca internetka oo maalmihii u dambeeyey dhacay ayaa lala xiriiriyey mudaharaadyada looga soo horjeedo dilkii loo geystay George Floyd. Tan koobaad, Shabakadda waaxda booliska ee magaalada Minneapolis waxaa lagu qasbay iney xiranto danbayaaqadii toddobaadkii hore iyada oo ay kooxa qarsoon ee falalkaasi fuliya ay u dhaceen. Kooxahanna shaqadooda ma aha oo keli ah iney xogaha jabsadaan balse waxaa kale oo ay sameeyaan iney shabakadaha ay doonayaan ay xiraan ama xannibaan, sida oo kale inta ay mudaharaadyada ka billowdeen Minneapolis waxay xireen shabakado ay leeyihiin shirkada waaweyn oo soo saara alaabaha aadka loogu baahan yahay. Habka Nidaamka ay ku shaqeeyaan waaxda booliska waxaa laga jabsaday cinwaannadooda E-mailka, furaha sirta ee lagu galo, iyada oo aan la garaneyn cidda u dhcday shabakadda booliska. Hase yeeshee, weli ma jiraan caddeeymo muujinaya in si buuxda loogu dhacay keydka lagu keydiyo xogaha booliska. Twitterka waxaa lagu baahiyey, farriin muuqaal ah oo aan la xaqiijin balse muujinayso fooneeyaha ay booliska isticmaalaan oo ay heesa ka baxayaan oo lagu wada xirirayo. Hase yeeshee, khubaradu waxay sheegeen inuusan u ekeen mid la jabsaday, balse ay u muuqdaan alaabti ay bililiqeysteen dadki wax boobayey inta ay mudaharaadyada socdeen, waa haddii uu muuqaalku yahay mid sax ah. Wariyaha BBC uga soo warrama New York Nick Bryant ayaa kacdoonka ay shacabka Mareykanka sameeyeen ku tilmaamay inuu yahay kii ugu weynaa oo dhaca wixi ka dambeeyey dilki Martin Luther King 1968-kii. Waxay ka soo horjeeddaa qoraalkan bog ee Facebook ku andacoonaya in lala xiriirinayo in dad aan la garaneyn ay baahiyeen muuqaal ku saabsan geerida Mr Floyd, isaga oo ku eedeeyay dambiyo badan oo kale oo ku lug lahaa booliiska Minneapolis, una hanjabaya in ay tallaabo qaadi doonaan. Isla bogga geerida George Floyd lagu baahiyey si la mid waxaa toddobaadyadi ugu dambeeyey boggaasi lagu baahinayey muuqaallo ku saabsan saxanta duusha (UFO) iyo ""qorshaha Shiinaha uu ka damacsan yahay inuu dunida ku baab'iyo."" Balse waxay arrintan indhaha caalmaka soo jiidatay marki shabakadda waaxda booliska ee magaalada Minneapolis la jabsaday laguna kallifay iney xiranto. Dhacdadii ugu horreysay ee aadka loo xusuusto waxay ahayd tii dhacday 2008-dii oo lagula kacay ""Church of Scientology"", weerarka dhinaca internetka ee shabakadda kaniisaddaasi loo geystay oo sababay iney shabakadda gabigeedba xiranto, isla markaana ay soo dhacaan taleefanno aan jirin iyo farriimo Fax oo maran oo lagu carqaladeynayo xiriirka ay sameyn lahaayeen. Sanada badan kaddib marki ay isku soo beegmeen qalalaasihii dhaqaale ee dunida iyo billowgii kacdoonkii Carabta waxaa weerar noocaasi lala beegsaday shirkadda filimaanta soo saarta ee ""Sony Entertainment"" iyada oo looga gol lahaa in la muujijyo taageerada loo hayo mudahaardkii Wall Stree." https://www.bbc.com/somali/war-52904943 +politics Colaadda Ukraine: Hadal heyn cusub oo ku saabsan hubka Turkiga iyo Dagaalka Ukraine "Xilli uu socdo dagaalka ay militeriga Ruushku gudaha ugu galeen waddanka Ukraine, warbaahinta caalamka ayaa mar kale hadal heyntooda diiradda ku saaraya waxa ku dhici doona hubka difaaca hawada ee S400, oo Turkigu uu ka iibsaday Ruushka. Ilaa hadda Turkiga laguma soo wareeginin adeegga uu sugayay, waxayna u muuqataa in Ruushka uu galay mashquul kale oo waxaasoo dhan ka weyn. Mas'uuliyiinta Turkiga ayaa si ay hubkaas u helaan horay ula colloobay xitaa Mareykanka oo ay xulafo ku yihiin isbahaysiga Nato, kaddib markii ay kasoo hor jeesteen in hubka awooddaas leh uu gacanta u galo Ankara. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareyknaka, Wendy Sherman, ayaa 5-tii bishan March Wakaaladda Wararka ee Turkiga u sheegtay in arrinta ku saabsan hubka S400 ay tahay ""dhibaato muddo dheer"" soo kala dhex taallay xukuumadaha Ankara iyo Washington, haddana laga yaabo in ""xalkeeda uu waddo cusub yeesho"". ""Waxaa suuragal ah in la gaadhay waqtigii si kale lagu raadin lahaa xalka dhibaatadan. Waxaan eegeynaa waxa la sameyn karo. Wax kasta waxay ku xiran yihiin xaaladda jirta. Waan la kulmi doonnaa saaxiibbadeen,"" ayay tidhi Ms. Sherman, oo markaas ku sugneyd Turkiga. Tallaabada uu Tukiga gantaallada S400 uga iibsaday Ruushka ayaa horseedday in Mareykanka uu cunaqabateynno kusoo rogo saraakiil ka tirsan militeriga Turkiga. Maamulka Aqalka Cad ayaa sidoo kale Turkiga ka saaray liiska dalalka ay suurtagal tahay in laga iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35. Labada waddan ayaa horay u galay heshiis ay ku kala iibsanayaan diyaaradaha casriga ah. Turkiga wali looma dhammeystirin tirada gantaallada uu iibsaday, qaybtii ugu horreysay ee hubka difaaca ee S400 ayaana horay loo ansixiyay, inkastoo labo sano ka hor lagu dhawaaqay fulinta howshaas. Bircin Yinanc, oo ah qoraa ka tirsan wargeyska madaxa bannaan ee T-24 - oo falanqeeya inta badan siyaasadaha arrimaha dibadda ee Turkiga - ayaa soo xigtay safiir hore oo Turki ah, Shafaq Gekterk, oo sheegaysa in dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine 24-kii bishii February "" uu ka dhigan yahay in Turkiga ay ka dhinteen hubka uu sugayay ee S400s."" ""Way iska caddahay, suurtagal ma aha in qaybta labaad ee hubkaas loo qaado Turkiga, sababtoo ah culeys kale ayaa yimid,"" ayay Ms. Yananc. Waxa ay intaas ku dartay in hadda ay muhiim tahay in xal kale la raadiyo. ""Mareykanka iyo Turkiga ayaa laga yaabaa in ay galaan heshiis gorgortan ah oo qodobadiisu ay ka mid tahay in Turkiga ay aqbalaan in hubka S400 aysan u dhawaanin ilaa baahi dhab ah ay timaado,"" sida lagu qoray maqaalka qoraa Birchin Yananc. Dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa ""go'aamiyay"" in Washington ay xal u raadiso xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Turkiga. Arrintan ayaa sidoo kale xoojin doonta tiirasha dowladda Turkiga, ka hor inta aan la gaadhin doorashada xigta. Dhinaca Turkiga waxaa lagu beer laxawsan doonaa in Mareykanku uu oggolaado in uu Turkiga ka iibiyo hubka difaaca hawada ee loo yaqaanno Patriot systems, kaasoo horay uu khilaaf uga dhahsay. Dhanka kale, qoraaga u janjeera dhinaca xukuumadda Erdogan - wax ku qora wargeyska afka dheer ee Sabaax - ayaa dhaleeceeyay tallaabada ay qaadday Washington, wa uuna wax aan ""aan la aqbali karin"" ku tilmaamay go'aanka ay Washington 2015-kii uga baxday heshiiskii ay Turkiga uga iibin rabtay hubka Patriot system iyo sida ay uga soo hor jeedsatay in uu hub midkaas baddalkiisa ah kasoo iibsado Ruushka. ""Haddii taas ay sameynayaan saaxiibbada, cadawgana maxaa laga filayaa?"" ayuu ku qoray maqaalkiisa. ""Haddii aan ahay muwaadin u dhashay Turkiga, waxaan si adag ugu talin lahaa in Mareykanku uu marka hore na siiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35 ama F-16 kaddibna aan wada hadalka billowno,"" ayuu yidhi. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa horay ugu cambaareeyay Mareyknaka go'aanka uu Turkiga uga saaray liiska waddamada laga iibinayo diyaaradaha F-35, isagoo sheegay in waxa kaliya ee ay ku qanci karaan uu yahay labo arrimood mid, oo ah in lacagtooda loo soo celiyo ama in laga iibiyo qalabka. Waxaa lagu soo warramay in hadda uu socdo wadahadal u dhaxeeya Washington iyo Ankara, mowduuca laga hadlayana uu yahay in Turkiga uu helo diyaaradaha F-16 halkii uu markii hore ka heli lahaa F-35." https://www.bbc.com/somali/war-60678614 +politics Madaxweynaha Kenya oo ka jawaabay codsi uga yimid ilma yar oo xanuunsan "Wiil yar oo shan sano jir ah oo lagu magacaabo Ethan Macharia oo maalma kahor warqad uu gacan ku qoray usoo diray Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ugu dambeyntii helay taageeradii uu dalbaday. Waqrad si qiiro leh uu u qoray Ethan ayuu ku codsaday in laga caawiyo xaaladiisa caafimaad, waxaana uu taageero dhaqaale weydiistay madaxweyne Kenyatta, si loogu soo daweeyo dalka Hindiya. Wiilkan iyo hooyadii ayaa madaxweyne Uhuru iyo dadka kale weydiistay inay ka caawiyaan sidii gacan looga siin lahaa lacag dhan 35 kun oo doolar oo ay sheegeen in loo baahan yahay, si looga bixiyo kharashka qalliinka ee ku baxay canuga yar. ""Madaxweyne dhakhaatiirta waxay i yirahdeen waxaad u baahan tahay 35 kun oo doollar, si xaaladaada caafimaad wax looga qabto, qalliinkanna wuxuu iga caawinayaa in aan helo caafimaadkeyga, marka aan weynaado waxaan doonayaa in aan noqdo ciyaartooy kubada cagta ah, fadlan madaxweyne i caawi"" ayuu Ethan ku qoray warqadda. Ethan ayaa dhibaato caafimaad ka heysatay dhanka maskaxda ah, balse qoyskooda ma aysan awoodin inay iska bixiyan kharashka. Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Hindiya, Willy Bett ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Uhuru uu ballan qaaday in uu bixinayo kharashka ku baxaya ilmaha yar, taa oo keentay in Ethan maanta loo ballamiyo qalliinka. ""Ma jiro ereyo aan ku cabiri karo darenkeyga maanta, mana jiro erey aan ku tilmaami karo madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo wanaagga uu inoo sameeyay. 16-kii bilood ee lasoo dhaafay waxaan la daalaa dhaceynay culeyskan, waxaana aad ugu faraxsanahay in uu wiilkeyga qallinka galayo,'' ayay tiri Ethan Hooyadii oo lagu magacaabo Veronica Njeri. Ethan ayaa sanadkii 2018-ka la sheegay in dhibaato caafimaad oo dhanka maskaxda ah ay lasoo daristay, kadib markii ay jug ka gaartay madaxa, waxaana muddooyinkii dambe kasii darayay xaaladiisa caafimaad. Warqaddan oo maalma heysatay warbaahinta maxalliga ee dalka Kenya ayaa ugu dambeyn gaartay madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana dad badan ay ka qiiroodeen xaaladda ilmaha yar. Ethan ayaa la sheegay in uu ka baaqsaday waxbarashada xanuunka awgii, maadaama xanuunka haya ay keentay in uu dadka kale u gacan qaado. Ethan waxaa kale oo uu lumiyay hadalka iyo in uu si wanaagsan wax uu u sheego. ""Wiilkeyga wuxuu lahaa noolal fiican kahor inta aysan dhicin nasiib darrida badeshay noolasheena. 14-kii bilood ee lasoo dhaafay waxaanu ku hawlaneyn sidii dhaqaale loogu heli lahaa daaweyntiisa"" ayay sii raacisay Ethan hooyadii. Sida ay sheegeen dhakhaatiirta dalka Hindiya, qalliin la yirahdo VNS ayaa lagu daweyn karaa xanuunka haya ilmaha yar. Warqadda uu qoray canuga yar ayaa maalma heysatay baraha bulshada ee dalka Kenya, waxaana dad badan ay kuu baaqeen in loo gurmado canuga yar ee xanuunsanaya." https://www.bbc.com/somali/51702309 +health Afrika: Sheekooyinka been abuurka ah ee coronavirus laga sameeyay "Iyadoo kiisaska caabuqa coronavirus ee dunida ay sii kordhayaan, waxaa jira sheekooyin been abuur ah oo laga faafinayo caabuqa. Kiisas yar oo fayraska ah ayaa ilaa iyo haatan laga soo sheegay Afrika, balse dowladaha dalaka Afrika qaarkood ayaa weli la daalaa dhacaya been abuur laysla dhex marayo oo caabuqa ku saabsan. Sawir hore oo waaxaha caafimaadka Mareykanka ay u adeegsadeen xiriirka ka dhaxeeya tinta wejiga ka soo baxda iyo neef-mareenka ayaa loo adeegsaday in ragga looga digo inay garka iska xiiraan si uusan caabuqu ugu dhicin. Wargeyska Punch ee ka soo baxa Nigeria ayaa cinwaankan qoray: ""Si aad uga badbaaddo coronavirus, iska xiir garka"" Sawirka Xarunta Mareykanka ee Xakameynta Cudurrada (CDC) ayaa muujinaya tusaalooyin badan oo ku saabsan tinta wejiga ka soo baxda iyo kuwa ay yihiin in laga fogaado marka la xiranayo maaskarada wejiga ee neefsashada. Sawirku waa mid jira- balse waxaa la sameeyay sanadkii 2017 (kahor inta uusan dillaacin coronavirus) balse CDC haatan ugama digeyso dadka inay garka iska xiiraan. Wadaad Diinta Masiixiga ah oo sheegtay inuu daaweyn karo fayraska ayaa sidoo kale faafiyay wax khaldan. Sheekooyinka la xiriira David Kingleo Elijah ayaa ku baahay barta Internet-ka kaddib markii ay dadku isla wadaageen muuqaal uu ku sheegayo inuu aadayo Shiinaha si uu uga ""takhaluso "" fayraska kaasoo lagu baahiyay barta YouTube. ""Waxaan doonayaa inaan cirribtiro coronavirus. Waxaan u socdaa Shiinaha, waxaan doonayaa inaan ka takhaluso coronavirus,"" ayuu ku yiri muuqaalka. Maalmod yar kaddib, waxaa soo baxay warar sheegaya inuu u safray Shiinaha kaddibna isbitaal la dhigay kaddib markii uu isaga qudhiisa ku dhacay caabuqa. Meelaha wararkan lagu faafiyay ayaa wadaadka ugu yeera magac kale - Elija Emeka Chibuke. Sawirka loo adeegsaday in lagu muujiyo isaga oo isbitaal ku jira waa sawirka Adeshina Adesanya, oo ah jilaa Nigeria u dhashay oo loo yaqaanno Pastor Ajidara, oo isbitaal ku dhintay sanadkii 2017. Sheeko ku saabsan darawal Nigeria u dhashay oo soo qaada nin qaba caabuqa coronavirus ayaa lagu faafiyay baraha bulshada waxaana isla wadaagay dadka isticmaala WhatsApp - balse waa been. Sida lagu sheegay farriimaha ay dadku isla wadaageen, taksiilaha ayaa soo qaaday ""nin caddaan ah"" oo qaba caabuqa coronavirus wuxuuna geeyay meel dadka lagu karantiilo. Dowlad-goboleedka Ogun ayaa kaddib ku amartay darawalka inuu istibaalka tago. Waxaa la sheegay in darawalka laga helay caabuqa coronavirus - balse uu ka baxsaday isbitaalka kaddibna uu ku hanjabay inuu faafin doono fayraska haddii aan qoyskiisa la siin 100m oo naira ah una hdiganta ($274,000). Warkan ayay dowladdu beenisay. Dowlad-goboleedka Ogun ayaa beenisay warka ku xusan qoraalka, iyagoo sheegay inuusan jirin bukaan ka baxsaday xarunta dadka lagu karantiilo. Qoraalkii ugu horreeyay waxaa lagu soo daabacay akoon been abuur ah oo laga sameeyay telefishinka gaarka loo leeyahay ee Africa Independent Television (AIT), kaasoo beeniyay inay akoonkaas ku leeyihiin barta Facebook. Waxaa qoraalka la raaciyay sawirka darawalka oo lagu sheegay Adewale Isaac Olorogun. Si kastaba, isla sawirkaas ayaa lagu daabacay Buzzfeed waxaana looga hadlay Libya iyo qof lagu sheegay magaca - Jude Ikuenobe. Nigeria oo ah dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan dalalka Saxaraha Afrika ka hooseya ee laga helo caabuqa, ayaa kiiskii ugu horreeyay waxaa laga helay nin Talyaaniga u dhashay oo tegay magaalada Lagos 25-kii February. Dowladda dalkaas ayaa sheegtay in tirada dadka uu ninkaasi xiriirka la sameeyay ay gaartay 100 qof. Gudaha Kenya, dowladda ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku beenineyso ""warka been abuurka ah"" ee ku saabsan coronavirus, waxaana ku jiray cod la soo duubay, oo la iskula wadaagay WhatsApp, kaasoo lagu sheegay inuu yahay war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda. Codka ayaa lagu sheegay in ilaa 63 kiis laga soo sheegay dalkas, taas oo been ah. Ilaa iyo haatan ma jiraan kiisas laga soo sheegay Kenya. Dadka Kenya ayaa wajahaya ganaax dhan $50,000 (£39,000) amaba labo sano oo xabsi ah haddii lagu helo war been abuur ah oo ku saabsan caabuqa. Dalka Nigeria, wadaad ayaa soo dhigay muuqaal uu ku sheeganayo in maraqa basbaaska uu daawo u yahay coronavirus. Arrintan ayaa sidoo kale la iskula wadaagay WhatsApp. Weli ma jirto daawo loogu talo galay caabuqa coronavirus wadaadkuna ma sheegayo faa`iidooyinka ku jira maraqa basbaaska - oo aad looga isticmaalo NIgeria." https://www.bbc.com/somali/war-51789603 +technology Khatarta dayax-gacmeed hawada ku burburay oo laga baqayo? "Weligaa maku fikirtay in adigoo waddada iska socda ay kugu soo dhici karaan biraha haraadiga dayax-gacmeed ku burburay hawada sare? Waxaa laga yaabaa in aadan horayba uga fikirin arrin noocaas ah, sidaas awgeedna ay halista kaaga dahsooneyd. Ama waxaa suurtagal ah inaad gebi ahaanba meesha ka saartay saameynta ay yeelan karto khatartaas. Balse miyaad ku saxan tahay taas? Jawaabta ay bixiyeen inta badan dadka ay BBC-da ku wareysatay waddooyinka magaalooynka Qaahira iyo Beyruut waxay ahayd in aysan wax noocaas ah dhici karin. “Dabcan waxaa dayax-gacmeedyada loo sameeyaa si aad iyo aad looga taxaddaray khatarta ka dhalan karta,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ay la hadleen kooxda BBC-da. Mid kalena waxa uu yiri: “Dabcan ma jirto halis, suurtagalna ma aha inay waxaasoo kale dhacaan.” Balse, dhowr qof ayay jawaabtoodu noqotay in ay macquul tahay, ayna dhici karto in khatar lagala kulmo dayax-gacmeedyada ku burburay hawada sare. “Waligey horay isuma weydiin, mana ka fikirin, balse hadda marka aad i weydiisay, haa, way dhici kartaa, waxaana laga yaabaa inayba horay u dhacday,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka la wareystay. Run ahaantii wayba u dhacday horay. Marar badan oo hore ayay nagu soo dhaceen dayax-gacmeedyada iyo gaadiidka kale ee hawada. Sanadkii 1979, haraadiga burburka dayax-gacmeedkii la oran jiray Skylab ayaa kusoo dhacay Galbeedka Australia. Sidoo kale 1980-meeyadii, dayax-gacmeed uu lahaa Ruushka oo loogu talagalay hubka nukliyeerka ayaa kusoo dhacay Canada. Sanadkii lasoo dhaafay ee 2021, haraadiga dayax-gacmeed ay lahayd shirkadda SpaceX, oo uu leeyahay Elon Musk, ayaa soo dhacay, bishii Agoosto ee sanadkanna, biro madow oo aan la aqoon waxa ay yihiin ayaa kusoo dhacay Koonfurta Australia, balse khubarradu waxa ay aaminsan yihiin in ay leedahay isla shirkaddaas. Sanadkii 2020, nin maqaayadle ah, oo ku nool waddanka Ivory Coast oo ku yaalla Galbeedka Afrika, ayaa subax kusoo kacay gurigiisa oo uu burburiyay gantaal uu riday Shiinaha. Guriyo kale oo ku yaallay isla xaafaddaas ayaa ku burburay halkaas. Biraha gantaalkaas qaarkood ayaa ku dhacay labo qof oo ka mid ahaa dadka xaafadda. Daraasado la sameeyay ayaa lagu sheegay in la filayo khatar hor leh oo bani’aadanka kasoo wajaheysa waxyaabaha cirka kasoo dhacaya, taasoo gaareysa ilaa 10%, lana filayo in ay sii kororto. Waxaa la isweydiinayaa sida uu u shaqeeyo hannaanka badbaadada ee dayax-gacmeedyada loogu talagalay inay raacaan. Laakiin jawaabta waxaa bixisay hay’adda Mareykanka u qaabilsan howlgallada hawada sare ee NASA, oo warbixin ay soo saartay ku sheegtay in kaliya 30% ka mid ah dayax-gacmeedyada caalamka ee hawada sare ka shaqeeya ay u hoggaansamaan shuruucda lagama-maarmaanka ah ee loo dejiyay. ""Waxaan ka war helnay inuu jiro dayax-gacmeed burburay, waa in dib loo eego habraacyada badbaadada,” ayaa lagu yiri warbixinta NASA. Tan iyo markii uu billowday tartanka safarrada hawada sare bartamihii qarnigii la soo dhaafay, bani’aadanku waxa ay direen kumannaan dayax-gacmeed, qalabkan aadka u waaweyna kuma baaba’aan hawada, kamana fogaadaan meeraha dhulka. Sida ay sheegtay hay’adda howlaha hawada sare ee Midowga Yurub, tan iyo markii hawada sare la aaday 1950-meeyadii, waxaa dhulka laga diray 10,680 dayax-gacmeed. Hadda waxaa jira 6,000 oo weli ku sugan hawada sare, 3,900 ayaana shaqo wada. Taas micnaheedu waa in 37% dayax-gacmeedyadii la diray ay howl-gabeen ayna hawada sare iska heehaabayaan, iyagoo xilli kasta iska soo dhici kara." https://www.bbc.com/somali/articles/c510n3lrw23o +religion Daraasad laga soo saaray 'faquuqa ay la kulmaan Muslimiinta UK' "Cilmi baaris dhawaan la soo saaray ayaa muujinaysa in Muslimiinta si gaar ah loola bartilmaameedsaday sharciga jinsiyad kala laabashada ee UK. Arrintan ayay darasadu sheegtay in loo aaneynayo awoodaha dheeraadka ah ee la siiyay sharcigan iyo dhaqangelintiisa.\n\nMachadka fadhigiisu yahay UK ee Xiriirka Jinsiyadaha (IRR) ayaa sheegay in awoodaha noocaas ahi lala bartilmaameedsaday Muslimiinta gaar ahaan kuwa ka soo jeeda koonfurta Aasiya, oo iyagu lagula kacay takoor dhanka dhalasahada ah. Warbixintan ayaan la daabacay iyadoo uu soo cusboonaaday muran hor leh oo ku saabsan keeska Shamima Begum oo kooxda Daacish ku biirtay iyadoo 15 sano jir ah lagana xanyuubiyay sharciga UK si wafaqsan xeerka cusub ee sharci kala noqoshada. Frances Webber, gudoomiye ku xigeenka IRR oo sidoo kale ah qoraaga warbixinta, ayaa yiri: ""Farriinta uu diray sharciga jinsiyad kala noqoshada 2002 iyo dhaqangelintiisa inta badan waxa uu ahaa mid ka dhan ah Muslimiinta Britishka ah ee ka soo jeeda koonfurta Aasiya inkastoo ay haystaan baasaboorka UK hadana loolama dhaqmo , si la mid ah sida dadka asal ahaan ka soo jeeda Britain."" “Iyadoo qof ‘asalka ah ee haysta dhalashada Ingiriiska, oo aan haysan dhalasho kale, uu samayn karo dambiyada ugu foosha xun o aysan khatar gelayn xaqa uu u leeyahay in uu sii ahaado muwaadin Biritish ah, balse qiyaastii 6 milyan oo muwaadiniin British ah oo haysta dhalasho ayaan dareemi karin kalsooni iyo muwaadinnimo.” Webber waxa uu sheegay in ka hor inta aan loo isticmaalin sharcigan kala noqoshada dhalashada daaciga Muslimka ah ee Abu Hamza 2003-dii, wax kala laabashada jinsiyadda lama sameyn muddo 30 sano ah. Balse tan iyo markaas iyo wixii ka dambeeyay 2017 waxaa dhalashada lagala noqday ilaa 104 qof ka dib burburkii dowladda Islaamiga ah ee Suuriya. Inkasta oo ay dawladdu sheegtay in awoodaha dhalasha kala noqoshada loo isticmaalo oo keliya dadka khatarta weyn ku ah amniga qaranka, ama galay dambiyo fool xun, haddana warbixinta ayaa ku doodaysa in saamayntu ay tahay in dad gaar ah loo adeegsaday islmarkaana loola dhaqmay sida in ay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah. ” Webber ayaa yiri: "" sharcigan waxaa loo keenay in lagu bartilmaameedsado Muslimiinta Britishka ee koonfurta Aasiya ka soo jeeda iyo kuwa Bariga Dhexe .""\nWarbixintu waxaa lagu xusay in shuruudaha kala-noqoshada jinsiyadda ay yihiin ""kuwa aan kala cadeyn oo qeexnayn,"" waxayna ka digaysaa khatarta ah in markasta loo isticmaalo ujeedooyin siyaasadeed, iyadoo Webber uu tusaale u soo qaadanayo kiiska Begum. Dhawaan ayay ahayd markii la sheegay in Begum lagala nqoday dhalashada UK. Isbeddelkii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay awoodaha kala noqoshada muwaadiniinta ee sharciga jinsiyadda iyo xuduudaha, ayaa kor u qaaday fejignaanta iyo wacyiga bulshada, waxaa uuna sidoo kale la kulmay xeerkan dhaleeceyn -iyada oo uu horseeday mudaaharaadyo islamarkaana ay ka soo horjeedsadeen qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka. Xafiiska arrimaha gudaha ee UK wuxuu sheegay in sharcigan uusan bartilmaameedsaneyn qowmiyadaha laga tirada badan yahay ama diimo gaar ah, sharcigana uu qeexayo waddooyiinka loo marayo dadka dhalashada lagala noqonayo. Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha gudaha ayaa yiri: “Muhiimaddeennu waa inaan sugno ammaanka UK."" Ka qaadista jinsiyadda waxay dhacdaa ka dib marka si taxadar leh loo tixgeliyo xaqiiqda iyo si waafaqsan sharciga caalamiga ah. Waxaa loo adeegsadaa kuwa ku helay dhalashada khiyaano iyo dadka ugu halista badan, sida argagixisada, xagjirka iyo dambiilayaasha geysta dambiyada abaabulan ee halista ah. ""Ma bixineyno wax raaligelin ah waana qaadaynaa tallabo kasta oo lagama maarmaanka ah si aan UK uga ilaalino kuwa khatarta ku ah amnigeena.""" https://www.bbc.com/somali/articles/c1r0gnwqedxo +health Muxuu yahay 'cudurka halista ah' ee raggu ka qaadaan cabidda caanaha? "Ragga sida joogtada ah u isticmaala manaafacaadka xoolaha, gaar ahaanna caanaha, ayaa marka la barbardhigo kuwa aan isticmaalin, waxay boqolkiiba 60 halis weyn ugu jiraan inuu ku dhaco xanuunka kansarka ku dhaca kaadi-heysta, sida lagu xusay daraasad cusub. Daraasaddan oo lagu daabacay joornaalka Mareykanka ka soo baxa ee nafaqada ka faallooda, ayaa waxaa sameeyay baarayaal ka tirsan Jaamacadda Loma Linda, kuwaas oo daneynayay baaritaanka xiriirka ka dhaxeeya cuntada iyo kansarka kaadi-heysta. Tan iyo sanadkii 2001, baarayaasha ayaa la socday caafimaadka rag ku sugan Mareykanka iyo Canada. Waxay daraasaddan eegeysay cuntada raggan muddo shan sano ah. Qaar ka mid ah raggan ayaa laga helay kansarka kaadi-heysta, kaddibna daraasadda ayaa is barbar dhigtay kuwa aan isticmaalin manaafacaadka xoolaha iyo kuwa isticmaalay. Waxaa la ogaaday in ragga maalintii cabay 430 garaam oo caano ah ay boqolkiiba 25 halis ugu jireen kansarka kaadi-heysta, marka la barbardhigo kuwa cabay 20.2 garaam maalintii. Baarayaasha ayaa sidoo kale ogaaday in qaadashada maaddada kalshiyamka ee waxyaabaha aan manaafacaadka xoolaha ahayn laha helo aysan wax saameyn ah ku yeelan khatarta kansarka kaadi-heysta. ""Waxyaabaha aan ogaannay waxay caddeymo dheeraad ah u yihiin xiriirka manaafacaadka xoolaha iyo kansarka kaadi-heysta,"" ayuu yiri Gary Fraser, oo hormuud ka ahaa baaritaankan. Fraser ayaa sheegay in hal sabab oo caanaha xoolaha iyo kansarka kaadi-heysta isku xiri karta ay tahay in xanuunku yahay mid ka falceliya hoormoonka. Maaddaama ilaa 75 boqolkiiba lo'da caanaha laga helo ay uur leedahay, hoormoonnada ku jir acaanaha ayaa laga yaabaa inay kordhiyaan halista kansarka kaadi-heysta. Daraasadda ayaa sidoo kale ogaatay in daraasado hore oo la sameeyay ay isla xiriiriyeen cabidda caanaha iyo manaafacaadka kale ee xoolaha iyo kororka sokorta dhiigga, taas oo loo maleynayo inay sababo noocyo kansarka ka mid ah. Waxyaabaha lagu ogaaday daraasaddan ayaa la mid ah kuwa daraasad kale oo sanadkii 2020 la sameeyay taas oo ay baarayaashu ku sheegeen in haweenka sida joogtada ah u caba caanaha xoolaha ay halis ugu jiraan kansarka naasaha. Taas beddelkeed, baaritaanno badan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in cuntada dhirta ka sameysan ay difaac u tahay noocyo kansarka ka mid ah, oo uu ka mid yahay kan kaadi-heysta ku dhaca. Daraasad sanadkii hore lagu daabacay Wargeyska Urology ayaa waxaa lagula socday caafimaadka 47,243 muddo 28 sano ah. Cuntada dhirta ka sameysan ayaa la sheegay inay yareyso halista kansarka kaadi-heysta ku dhaca." https://www.bbc.com/somali/war-61835274 +entertainment Jagdeep: Amadi (Johnny Lever) oo soo aasay shactiroolihii uu ku dayan jiray "Majaajiliistaha shirkadda filimada Hindiga ee Bollywoodka Johnny Lever, oo ay Soomaalida u taqaanno Amadi, ayaa ka qeyb galay aaska rug caddaagii shactirada filimada ee loo aqoon jiray jiray Jagdeep, oo arbacadii geeriyooday. Syed Ishtiaq Ahmed Jaffrey, oo aan loogu garanayay magaciisa masraxyada ee Jagdeep, wuxuu ku geeriyooday da'da 81 sano. Shactiroolahan, oo xirfaddiisa jilliinka si weyn looga daba dhacay tobannaan sano oo uu fanka ku jiray, wuxuu kasoo muuqday in ka badan 400 oo filim. Johnny Lever(Amadi) wuxuu ka mid yahay majaajiliisteyaasha hadda sida weyn loo yaqaanno, laakiin wuxuu mar walba ficilladiisa qosolka leh uga dayan jiray Jagdeep oo gacanta soo qabtay markii uu ku soo biirayay jilliinka. Lever ayaa markii uu geerida Jagdeep maqlay boggiisa Facebook kusoo qoray sidan: ""Filimkeygii ugu horreeyay oo aan markii ugu horreysay ku soo hor istaagay kaamirada wuxuu ahaa #yehrishtanatoote, waxaanaku jiray rugcaddaaga laftiisa #Jagdeep. Waan kuu xiisi doonnaa.... ducadeenna waxay la jirtaa qoyska waana u tacsiyeynayaa."" Syed Istiaq Ahmed Jafri, waxaa galabnimadii Khamiista lagu aasay qabuuraha ay leeyihiin Shiicada Iiraaniyiinta ee ku yaalla koonfura Magaalada Mumbai. Waxaa aaskiisa - oo uu hoggaaminayay wiilkiisa Jaaved Jaaferi - ka qeyb galay jilayaal kale iyo qaar ka mid ah dadkii ay isla soo shaqeeyeen. Jagdeep wuxuu xirfadda jilitaanka billaabay isagoo carruur ah, filimkiisii ugu horreeyay ee uu shactirada ku jilayna wuxuu ahaa Afsana, oo soo baxay sanadkii 1951-kii. Inkastoo uu doorar kale matali jiray, wuxuu si weyn ugu caan baxay dhinaca majaajilada. Waxaa aad loogu xasuustaa filimkii laga daba dhacay ee Sholay, kaasoo uu ku jilayay magaca Soorma Bhopali. Sholay, oo soo baxay 1975-kii, waxaa kula jiray jilayaal caan ah oo ay ka mid yihiin Amitabh Bachchan (oo Soomaalidu u taqaanno Cali Dheere), Dharmendra (Dalaamandar), Amjad Khan iyo Hema Malini. In ka badan 50 sano ayey si aan kala joogsi lahayn u socotay xirfaddiisa. Filimkii ugu dambeeyay ee uu Jagdeep kasoo muuqday wuxuu ahaa Gali Gali Chor Hai, oo soo baxay 2012-kii, uuna la jilayay Akshaye Khanna." https://www.bbc.com/somali/war-53367193 +entertainment Salma iyo Latesh: Gabadhii uu la haasaawi jiray oo nin kale guursatay ayuu bambo hadiyad uga dhigay "Salma iyo Latesh arooskooda waxaa uu mar qura si lama filaan ah uga baxay jawigii farxadda waxa uuna isu baddalay murugo kaddib markii uu qarax dhacay. Harish Dalvi ayaa ka sheekeeyay dhacdadan oo khuseysa gabadhiisa mar dhow la guursaday iyo ninkeeda, oo ah wiilka uu sodogga u yahay. ""Rajesh waxa uu gabadheyda curadda ah ku khiyaanayay jacayl been ah muddo toddobo sano ah. Waxa uu horay u dhalay gabar, balse ma uusan guursanin gabadheyda. Gabadheyda yar ayuu usoo dhiibay boombale ay ku dhex jirto bambo,"" ayuu yiri. ""Hadiyadda islamarkii la furayba waxaa qaraxday bambadii, wiilka aan sodogga u ahayna labada indhood ayuu beelay. Maxaan samayn karaa hadda... Waxaan hal il oo ka mid ah indhahayga u bixin karaa wiilka aan sodogga u ahay,"" ayuu kusii daray. Aabahan waxa uu sheegay in falka naxdinta leh uu dhacay maalintii ku xigtay maalinta uu arooska dhacay, markaasoo la furfurayay hadiyadaha. Boombalaha ay bambada ku qarsanayd waxa uu ku dhex jiray hadiyadaha la furayay, markii uu qarxayna wuxuu sababay in ninkii caruuska ahaa ay labada indhood ka dhacaan, dhaawac culusna waxa uu ka gaaray gacanta. Harish Dalvi, oo ka mid ah odayaasha ku nool tuulada Meendhabhari ee ka tirsan degmada Navsari ee gobolka Gujarat, waxa uuna leeyahay labo gabdhood. Waxa uu sheegay in guud ahaan qoyskiisa ay aad ugu faraxsanaayeen in xafladda arooska la dhammastiro. Balse maalintii ku xigtay arooska waxaa usoo hoyatay musiibo kaddib markii ay Salmo telefoon usoo dirtay una sheegtay ""in uu ninkeeda Latesh dhaawac culus kasoo gaaray qarax"". Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu Harish yiri: ""Xilliga uu telefoonka soo dhacayay waxaan ku nasanayay gurigayga. Durbadiiba waxaan u cararay guriga wiilka aan sodogga u ahay. Markii aan gaaray meesha oo dhan waxaa daadsanaa dhiig, Latesh iyo wiil uu abti u yahay ayaa si xun u dhaawacmay."" Harish ayaa hadalkiisa sii watay, oo yiri: ""Qaraxa kaddib gurigii oo dhan ayaa burburay. Latesh iyo wiilka uu abtiga u yahay ayaan ula cararnay isbitaalka. Gabadheyda ayaa ii sheegtay in ay furayeen hadiyadihii loo soo dhiibay, xoogaa kaddibna iyada iyo dumaashideed ayaa jikada aaday si ay shaah usoo kariyaan. ""Waxyar kaddib waxay maqashay qarax, markii ay soo baxdayna waxay u timid ninkeeda iyo wiilka uu abtiga u yahay oo uu dhiig badan ka socdo."" Su'aasha ugu horraysay ee uu qof walba isweydiiyay waxay ahayd: Yaa keenay hadiyadda qaraxday? ""Waxaan isweydiinay cidda keentay hadiyadda. Waxaan soo xasuusannay in boombalaha ay keentay gabar la yiraahdo Aarti oo saaxiib la ah gabadheyda Jagriti. Markii aan waraysannay Aarti waxay noo sheegtay in ay ahayd hadiyad uu usoo dhiibay Rajesh Patel oo ka codsaday inay u gayso Jagriti. ""Rajesh waa isla ninka horayna u khiyaanay gabadheyda Jagriti... Mar ayuu shukaansan jiray iyada, haddana waxaan ogaannay in ninkii gabadheyda wayn nolosheeda burburiyay uu haddana burburiyay nolosha gabadheyda yar."" ""Wiilka aan sodogga u ahay dhaawac aad u culus ayaa ka gaaray gacanta bidix, dhakhtarkuna wuxuu sheegay in labadiisa indhood ay baaba'een. ""Wax kale oo aan u samayn karo ma jiro wiilka aan sodogga u ahay, balse waxaan u bixinayaa hal il."" Askariga booliska ah ee baaraya dhacdadan, Virendra Singh Vaghela, ayaa sheegay in Rajesh Patel qudhiisa uu mar la noolaa Jagriti ayna xiriir haasaawe lahaayeen." https://www.bbc.com/somali/war-61581662 +health "Coronavirus: ""Qalabkan ka fogow si internet-kaaga uu xawaare u yeesho""" "Waaxda maamulka warbaahinta ee shirkadda lagu magacaabo Ofcom ayaa dadka kula talisay inay ka fogaadaan isticmaalka qalabka cuntada lagu kululeysto ee microwave-ka, marka ay isticmaalayaan wifi-ga, tan oo qeyb ka ah talooyinka ku saabsan sare u qaadidda xawaaraha internet-ka. Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo malaayiin qof ay ka shaqeynayaan guryaha, oo qaarkoodna aysan haysan internet fiican, ka dib markii dowladdaha qaar ee caalamka ay shacabokooda ku amreen in ay guryaha ka soo shaqeeyaan. Waxay tani cadaadis saartay shirkadaha internet-ka, iyadoo boqolkiiba 20% ay korortay isticmaalka internet-ka. Dowladdaha qaar ee daafaha dunida, sida Britain, ayaa dalbanaya in la helo internet xawaare leh oo la isku halayn karo, maadaama ay dad badan guryaha ka soo shaqeynayaan xilliga lagu jiro la dagaallanka fayraska corona. Talada Ofcom waxaa qeyb ka ah in qofku uu sii dejisto aflaamta, intii uu toos u daawan lahaa isagoo sidoo kale doonayo inuu qof muuqaal ka waco. ""Ma ogtahay in microwave-ka cuntada lagu kululeysto uu yareyn karo xawaaraha internet-ka wifi-ga?,"" ayay Ofcom tiri. ""Sidaas darteed ha isticmaalin microwave-ka marka aad wicitaan muuqaal ah sameyneyso, ama marka aad daawaneyso muuqaallo HD ah amaba aad howl muhiim ah ka haysato online-ka."" Talooyinka kale waxaa ka mid ah: Qalabyada saameynta ku yeelan kara internet-ka waxaa ka mid ah: telefoonnada gacanta, qalabka carruurta lagu ilaaliyo, nalalka qaar, sameecadaha kumbiyuutarrada iyo TV-yada. Ofcom ayaa dadka kula talineysa inay isticmaalaan telefoonnada landline-ka haddii ay suurtagal tahay. ""Haddii aad dooneyso inaad isticmaasho telefoonkaaga gacanta, isku day inaad ka damiso wifi-ga,"" ayay tiri Ofcom. ""Si la mid ah, waxaad wicitaanno muuqaal ka sameyn kartaa app-yada sida Facetime, Skype ama WhatsApp."" Waxay waaxdu sidoo kale ku talineysaa in la damiyo qalabyada aan la isticmaaleynin. Ofcom ma ahan ururka keliya ee qaadaya tallaabooyinka sare loogu qaadayo xawaaraha internet-ka inta lagu guda jiro xilligan xayiraadda. Shirkadaha Facebook, Netflix, Disney+ iyo YouTube ayaa yareeyay tayada muuqaallada si loo yareeyo cadaadiska saaran shirkadaha internet-ka. Balse shirkadaha internet-ka ayaa sheegay inay xakameyn karaan cadaadiska.da." https://www.bbc.com/somali/war-52045697 +health Dhacdo aan horey loo arag: Saddex canug oo mataana ah oo laga helay cudurka Corona "Saddex canug oo mataana ah oo ku dhashay csibitaal ku yaalla Mexico ayaa laga helay cudurka Corona kaddib markii baaritaan lagu sameeyay, waxay arrintani noqotay mid aan horey loo arag, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee dalkaas. Khubaro caafimaad ayaa baaraya, in cudurka uu u gudbi karo uur ku jirta hooyada inta ay uurka leedahay. Labo ka mid ah carruurta oo gabar iyo wiil ah, ayaa ayay xaaladdoodu wanaagsan tahay, iyagoo lagu hayo cisbitaal ku yaalla magaalada San Luis Potosí. Balse wiilka labaad, ayaa la siinayaa daawooyin la siiyo dadka uu xannuunka hayo. Afhayeen u hadlay guddiga qaabilsan arrimaha caafimaadka ee gobolka, ayaa sheegay, in dunida aanan laga helin arrinta ku saabsan carruur mataano ah oo la qaadsiiyay cudurka isla markaana kiiskan la baarayo. Tiro carruur oo aad u yar, ayaa la ogaaday in ay qaadeen feyraska, kadib markii ay dhasheen, balse saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in aysan rumeysneyn dhacdadan. Waligaa ma maqashay carruur mataana ah balse kala aabe ah? Faa'idada dawada dexamethasone iyo sida ay ula dagaalanto fayraska Covid-19 Fiiri qaabka uu jirkaaga isaga difaaci karo cudurka Corona Xoghayaha Caafimaadka gobolka, Mónica Liliana Rangel Martínez, ayaa sheegtay: in aysan "" macquul ahayn in cudurka ay qaadeen markii sidaa ay u dhasheenba."" Si kastaba, waalidiinta carruurtaasi ayaa hadda baaritaan lagu sameeyay, iyadoo la sheegayo, in laga yaabo in aysan ka muuqan calaamadaha cudurka. Dalka Mexico, ayaa laga diiwaan geliyay in ka badan 185,000 xaaladood oo ah dadka qaba cudurka Corona iyo 22,584, oo dhimasho ah, tan iyo markii uu dalkaasi shaaciyay kiiskii ugu horreeyay 28-kii bishii Febraayo. Dalka Mexico, saddex carruur oo mataano ah oo xilligoodii ka hor dhashay, ayaa 17-kii bishii Juun, maalinkii ay dhasheenba laga helay cudurka. Carruurta markaa dhashay ee laga helay cudurka Corona ayaa ah wax aan caadi ahayn oo aan la maqlin. Ilmaha yar, waa ay qaadi karaan fayraska, marka ay dhashaan kadib, haddii ay xiriir dhow la leeyihiin qof kasta oo horey u qabay cudurka. Hooyada waxay cudurka u gudbin kartaa ilmaha uurkeeda ku jira. Baarayaal u dhashay dalka Mareykanka, kuwaas oo ka socda Iskuulka Daawada ee Yale, ayaa warbixin dhawaan ay soo saareen ku sheegay, kiiski ugu horreeyay oo la aqoonsaday ee ah, in caabuqa ka dhasha cudurka coronavirus uu ku dhaco Minka. Markuu caabuqa ku dhaco, halista ka soo gaareysa hooyada iyo dhallaanka ayaa badanaa hooseysa, inkasta oo warbixinnada qaar ay soo jeedinayaan, inay kordhin karto suuragalnimada in ilmuhu dhasho kahor xilligii uu dhalan lahaa. Ma jiraan caddeyn muujineysa in feyraska uu sababo in ilmuhu dhicisoobo ama uu saameeyo sida uu u korayo inta uu uurka ku jiro, balse, taxaddar ahaan, haweenka uurka leh ayaa lagula talinayaa in ay ka fogaadaan inay aad ugu dhawaadaan dadka, si loo yareeyo fursadaha ay ku qaadi karaan cudurka. Haddii ay cudurka qaadaan, inta badan hooyooyinka waxay noqon doonaan kuwo aan xaaladdoodu halis ahayn, ama waxay waxaa lagu arkayaa calaamado dhexdhexaad ah, weyna ka bogsanayaa. Haddii aad ka taxaddareyso canugaaga, waa aad yareyn kartaa halista ah in cudurka uu qaado, adigoo si joogto ah gacmahaaga ugu nadiifinayo biyo iyo saabuun." https://www.bbc.com/somali/war-53152824 +politics Geerida Madaxweynihii Kenya: Saddex qaab oo uu Mwai Kibaki u saameeyay siyaasadda Soomaaliya "Madaxweynihii saddexaad ee Kenya, Mwai Kibaki, ayaa geeriyooday isagoo da'diisu tahay 90 jir. Waxaa lagu xusuustaa sidii uu u kobciyay dhaqaalaha dalkiisa, gaar ahaan dhismaha wadooyinka. Dhanka kale, doorashadii muranka dhalisay ee lagu eedeeyay inuu ku shubtay dhammaadkii 2007 ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1100 oo qof. Mwai Kibaki waxa uu ahaa nin si weyn looga yaqaanay Afrika, maadaama uu hannaanka dowldanimada ku soo jiray in ka badan 44 sano. Intii uu xilka hayay, waxa aad loogu xusuustaa saddex arrimood oo wax weyn ka bedalay siyaasadda Soomaaliya. Waxa ay kala yihiin: Inkastoo uu Madaxweynihii xilka uga horreeyay ee Daniel arap Moi soo billaabay shirka nabadeynta Soomaaliya oo 2002 lagu qabtay magaalada Eldoret, haddana Kibaki ayaa ka miro-dhaliyay sanadkii 2004, xilligaas oo deegaanka Embagathi ee caasimadda Nairobi lagu dhisay Dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee uu Madaxweynaha ka noqday Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed. Shirkaas waxaa garwadeen ka ahaa urur goboleedka IGAD, waxaana uu taageero buuxda ka haystay Qaramada Midoobay. Waxaa isla shirkaas Embagathi ka dhashay hannaanka Federaalka ah ee maanta ka jira Soomaaliya. Nairobi ayaa muddo xarun u ahayd dowladdii Cabdullahi Yuusuf, ka hor inta aysan u guurin magaalada Jowhar bishii July 2005. Dabayaaqadii 2011, ciidamada Kenya ayaa gudaha u galay Soomaaliya hawlgal lagu magacaabay ""ilaalinta dalka"". Xukuumadda Nairobi oo uu hogaaminayay Mwai Kibaki ayaa xilligaas ku dooday inay dalkeeda ka difaacayso ""cadowga Al-Shabaab"". Waxaa lagu tilmaamay hawlgalkii ugu ballaarnaa ee ay ciidamada Kenya dibedda waddankooda ka fuliyaan tan iyo markii uu dalkaas xorriyada qaatay 1963. ""Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliya inay gacan naga siiyaan nabad ku soo dabaallida dalkooda.... Waxaan caalamka u sheegaynaa in aan duullaan ku ahayn Soomaaliya,"" ayuu 2011 sheegay Mwai Kibaki. Hase yeeshee Madaxweynihii dowladda kumeelgaarka ahayd, Shariif Sheekh Axmed, ayaa xilligaas sheegay inuu diiddan yahay in ciidamada Kenya ay galaan gudaha Soomaaliya. Qaar kamid ah khubarada arrimaha siyaasadda ayaa xilligaas tilmaamay in Sharif uu diidanaa qorshe ay rabtay Kenya oo ahaa inay ku dhisto maamul Jubaland oo difaac uga noqda dhibaatada ka taagan Soomaaliya inteeda kale. Walaaca uu qabay Madaxweyne Sharif waxaa sidoo kale muujiyay ra'iisal wasaarihii xilligaas, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo sheegay ""Ma jiro heshiis aan Kenya kula galnay in ciidamadeeda ay gudaha u galaan Soomaaliya."" Ciidamada Kenya ayaa bishii November 2011 ku biiray hawlgalkii AMISOM ee hadda loo bedalay ATMIS. Dowladda Kenya oo "" baareysa ka ganacsiga caruurta "" Booliiska Tanzania oo uu u baxay raadka taajirkii la afduubtay Ka hor duullaankii 2011, waxaa soo baxayay warar sheegayay in Kenya ay wadatay qorshe ahaa inay gobollada Jubooyinka iyo Gedo ka samayso maamul ka xigsada dhibaatada iyo colaadda ka taagan Soomaaliya inteeda kale. Xogta ah in Kenya ay lahayd damaca Jubaland ayaa waxaa lagu soo bandhigay barta Wikileaks ee lagu faafiyay macluumaadka ay sirdoonka iyo safaaradaha Maraykanka ururiyeen. Xogta ay baahisay barta Wikileaks ayaa lagu sheegay in wasiirkii arrimaha dibedda ee Kenya, Moses Wetangula, uu arrinta dhisidda Jubaland ku soo hadal qaaday Karl Wycoff oo markaas ahaa kuxigeenka kaaliyaha arrimaha Afrika ee Maraykanka. Ciidamada Kenya oo gacan ka helayo maleeshiyada Raas-Kambooni ee uu hogaamin jiray Madaxweynaha haatan ee Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa 28-kii September 2012 waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhowr goor Kenya ku eedeeyay inay faro-gelin ku hayso arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Jubaland." https://www.bbc.com/somali/war-61193247 +politics Agoonta Britain ee Suuriya ku xanibnaa oo gaaray London Koox carruur agoomo ah oo waalidiintooda ay kasoo jeedaan Britain, oo ku xayirnaa goobaha ay dagaallada ka socdaan ee Suuriya ayaa dib loogu celiyay Suuriya. Carruurtaas ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee laga soo qaaday waqooyiga-bari ee Suuriya, halkaasoo ay horay u maamuli jireen kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ee loo soo gaabiyo IS. Maxkamadda saree e UK ayaa ka codsatay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda inuu gacan ka geysto soo dhoofinta carruurtaas. Makxmadda ayaa loo sheegay inay London soo gaareen maanta oo Jimce ah, xaaladdooduna ay wanaagsan tahay, iyagoo la kulmay xubno kale oo ka tirsan qoysaskooda, kuwaasoo ay si wadajir ah isula quraacdeen. Hay'adda samafalka Save the Children ee uu fadhigeedu yahay Britain ayaa qabta in dib usoo celintan ay noqon doonto uun billowga, waxayna bidhaamisay sida ay xaaladdan u tahay mid u baahan in si deg deg ah wax looga qabto. Waxay qiyaastay 60 carruur ah oo Britain u dhashay ay ku xanniban yihiin halkaas, ayna xaalado adag ku heystaan xeryo ku yaalla waqooyiga Suuriya, iyadoo haddana uu soo dhowyahay xilliga qaboobaha aadka u daran. Dooddan ayaa wada hareysay qaaradda Yurub iyo meelo kaleba. Hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in carruur aan waxba galabsanin aysan ahayn inay u rafaadaan khaladaadka la sameeyay - ama dambiyada ay galeen waalidiintooda ku biiray kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah. Arrintan ma aha mid lala barbar dhigi karo khatar amni oo ay dadka waaweyn sababi karaan. Waddamo badan - oo ay ka mid yihiin France, Denmark, Norway iyo Kazakhstan ayaa sidoo kale dib dalalkooda ugu ceshaday carruur noocaas ah. Rajada la qabo ayaa ah in haddii lasoo celiyo ay yaraan karto suurtagalnimada in marka ay weynaadaan ay mintidiin noqdaan. Maxkamadda racfaanka ee waddanka Netherland ayaa soo saartay xukun ay ku qeexeyso in xukuumadda waddankaas aysan ku khasbaneyn inay soo celiso carruurta Netherland kasoo jeedda ee ay waalidiintooda xubnaha ka ahaayeen kooxda Daacish. Go'aankan wuxuu dhinaca kale u rogayaa ama meesha ka saarayaa xukun ay horay u soo saartay maxkamadda hoose. Waxay maxkamaddu hore amartay in dib loosoo celiyo 56 carruur ah, balse waxay sheegtay in dowladda aysan waajib ku ahayn inay hooyooyinkoodana keento. Dowladda Netherlands ayaa sheegtay inay halis tahay in la galo waqooyiga Suuriya, sidaas awgeedna ay caawin doonto oo kaliya dadka heysta dhalashada dalkooda haddii ay tagaan xafiiska diblomaasiyadda ee ay Netherlands ku leedahay Suuriya. Waxay sidoo kale dood ka keentay in carruurta lasoo kaxeeyo iyagoo aysan la soconin hooyooyinkooda - kuwaasoo wali khatar amni keeni kara isla markaana ay tallaabadaas cadaawad ku abuuri karto xubnaha kale ee qoysaska. https://www.bbc.com/somali/war-50518961 +health "Ma qabtaa cudurkan ""ku dhacay inta badan dadka Soomaaliya?""" W/Q: Mohamed-Rashid Dirie Qoraa madax bannaan Khubarada dhinaca dhimirka ayaa aaminsan in dagaalladii sokeeye ee soo maray Soomaaliya ay saameyn ku yeesheen caafimaadka maskaxda ee dad badan, welina ay jirto saameyntaas. Haddaba, waa noocee cudurrada dhimirka ee badanaa Soomaalida ku dhaca? Waxaan kala hadalnay dhakhaatiir aqoon durugsan u leh xanuunnada dhimirka. Sidoo kale waxaan eegeynaa soddon sano ka dib, xaaladda daryeel ee caafimaadka dhimirka Soomaaliya xaggee bay maraysaa? Bulshooyinka caalamka qaarkood ayaa sida Soomaaliya la dhibtooda cudurrada dhimirka, inkasta oo ay kala duwan yihiin qaababka ay u saameeyaan iyo waxa bulsho walba u keena cudurradaas. Badanaa, cudurrada dhimirka ayaa shakhsi shakhsi u saameeya dadka adduunka, balse, waxaa sidoo kale jira, in bulshooyinka qaar ay si guud ahaan u wada qaadaan cudurrada dhimirka haddii ay la kulmaan dhibaatooyin guud ahaan u wada saameeya. Dhibaatooyinka noocaas ah ayaa waxaa ka mid ah musiibooyinka iyo dagaallada hubeysan. Cudurrada dhimirka ee ka jira Soomaaliya ayaa waxaa la sheegaa in ay salka ku hayaan ama ay sababeen dagaalladii sokeeye ee soo maray Soomaaliya kuwaas oo weli ay saameyntooda jirto. Haddii aan is weydiinno su’aasha ah, dhibaatooyinka cudurrada dhimirka ee baaxadda weyn leh Soomaaliya maka soo kabsan kartaa? Jawaabta waxaan ka heli karnaa in aan eegno wixii u suurto galay bulshooyinka sida Soomaaliya soo maray dhibaatooyinka cudurrada dhimirka. Dalka Rwanda oo deris la ah waddamada ku yaalla bariga qaaradda Afrika ayaa soo maray dhibaatooyin dagaal sokeeye oo ka mid noqday kuwii ugu saamaynta badnaa dunida muddooyinkii ugu dambeeyay. Dalkan ayaa shacabkiisu aad ula il darnaa cudurrada dhimirka ee ka dhasha dagaallada. Palmer iyo Firmin qoraal ay ku daabaceen joornaalka (International Psychiatry) ayaa waxay ku muujiyeen dadaalka dheer ay dowladda Rwanda u martay in ay wax ka qabato cudurrada dhimirka ee saameeyay shacabkeeda. Waxay yiraahdeen, “Dowladda Rwanda waxay abuurtay adeegga la talinta cilmu-nafsiga bulshada (Psychosocial consultation service) oo ay ka hirgelisay caasimadda Kigali, kaas oo u shaqeynayay dhammaan bulshada reer Rwanda. Waxaa la doortay in dadka loo bandhigo adeeg shakhsi walba inta uu u baahan yahay caawiya.” Waxay sidoo kale sheegeen in boqolkiiba boqol kharashka daweeynta ee dadka dhaqaalahoodu hooseeyo uu bixinayay caymis caafimaad oo bulshadu leedahay. Waxaa sidoo kale la abuuray ururada bulshada oo si gaar ah uga shaqeeynayay daryeelka caafimaadka dhimirka. “Waxaa xoogga la saaray soo saaridda xirfadleyaal bartay cudurrada dhimirka, kuwaas oo lagu tababaray machadyo iyo jaamacado ku yaalla dalka Rwanda.” “Waxaa kale oo la sameeyay adeegyo dadka loogu geeynayo meelaha ah joogaan sida guryahooda.” Waxaa sidaa yiri Palmer iyo Firmin. Dowladda Rwanda ayaa aad ugu dadaashay in ay adeegga caafimaadka dhimirka ah ay gaarsiisoo dhammaan bulshada reer Rwanda. Wixii u qabsoomay dowladda Rwanda ayaa muhiim u ah in ay Soomaaliya wax ka barato. Waxaan waraysi kooban la yeeshay Diktoor Axmad Jaamac Shidane oo ku takhasusay cudurrada dhimirka, ahna agaasimaha ururka caafimaadka dhimirka Soomaaliyeed, sidoo kalena ka howl gala xarunta daryeelka caafimaadka dhimirka ee Rajo oo ku taalla magaalada Muqdisho. Waxaan weydiiyay xaaladda adeegga caafimaadka dhimirka ee waddanka ka jirta, wuxuuna ii sheegay in xaaladda daryeelka caafimaadka dhimirka ee ka jirta dalka ay “liidato”. Dr Axmad ayaa sidoo kale ii sharraxay sababta ay xaaladda daryeel ee dalka u liidato. Wuxuu yiri, “ Waxaa yar amaba jirin culumadii caafimaadka dhimirka oo Soomaali badani ma barato, waxaa sidoo kale yar xarumaha lagu daweeyo cudurrada dhimirka, hal ama laba oo si gaar ah loo leeyahay ayaa jiraan. Dowladduna ma siiso wax mudnaan ah.” Wuxuu sidoo kale ii sheegay daryeellada yar ee ka jira dalka in badanaa laga helo magaallooyinka waawayn keliya. Waxaan Dr Axmad weydiiyay cudurrada dhimirka ah ee badanaa ku dhaca dadka Soomaaliyeed balse aysan wax aqoon ah u lahayn. Wuxuu ii sheegay in badanaa dadka Soomaaliyeed aysan fahamsanayn cudurrada dhimirka ku dhaca; “Dadku waxay cudurrada dhimirka ka aaminsan yihiin waxyaallo khuraafaad ah” “Cudurradan ayaa ah kala ah kuwa adag oo qofka u diidaya in uu bulshada la dhex joogo, kuwana qofku waa la noolaan karaa oo wuxuu la dhex joogaa bulshada. Waxaa halkaas ka jirta aqoon darri ku aaddan cudurradan. Waxay la tashi ugu aadaan dhakhaatiirta aan takhasuska u lahayn cudurradan, waxayna ka aamiinaan in ay yihiin jinni ama il qofka ku dhacday.” Wuxuu ii sheegay in dalka aanan laga samaynin xog aruurin rasmi ah oo sheegi karta cudurrada ugu badan ee dadka ku dhaca ama kala bixin karta noocyada cudurrada dhimirka ah iyo sida ay ugu kala badan yihiin dadka Soomaaliyeed. Balse wuxuu ii tilmaamay dhowr ka mid ah cudurrada dhimirka badanaa ku dhaca Soomaalida. Wuxuu ii sheegay xanuunka ugu badan ee ay la kulmaan uu yahay kan ka dhasha dagaallada oo loo yaqaanno post-traumatic stress disorder (PTSD) oo ah xanuun dhimir oo ka dhasha dadku markay la kulmaan arrimo arggagax naftooda geliya oo noqda mid uur ku taal ah. “Kuwa uur kutaallada ah oo ka dhasha dagaallada ayaa saameeya Soomaali badan, waxaa sidoo kale dadka ku dhaca cudurka qulub ama niyad jabka (Depression) iyo kuwa ka dhasha balwadda.” Isaga oo sii wata hadalkiisa ayaa wuxuu yiri, “Waxaa sidoo kale Soomaalida ku dhaca cudurrada dhimirka kale sida xanuunka welwelka (Anxiety disorder) iyo xanuunka waswaaska (Obsessive compulsive disorder) oo ah xanuunno iyagana aad ugu dhaca dad badan oo Soomaali ah.” Waxaan sidoo kale weydiiyay Diktoor Axmad Jaamac, haddii ay jiraan dhibaatooyin ay la kulmaan dadka qaba cudurrada dhimirka gaar ahaan dhibaatooyinka la xiriira ceebeynta ama waxa ay Soomaalida u taqaanno shaabadaynta. Wuxuu ii sheegay in ay dhibaatooyinka ceebeynta ay aad u jiraan, ayna sababaan in bukaanno badani ay heli waayaan adeeggii caafimaad. “Ceebeynta waxay sababtaa in qofka xanuunka qaba (gaar ahaan qofka fahma xanuunka dhimirka inuu hayo) uu ka cabsado in uu sheego, sidoo kale, dadka daryeella bukaannada waa ay qariyaan ama guriga ayay kusoo xiraan dadkii jiranaa iyaga oo ka baqaya in lagu shaabadeeyo oo ay wajahaan ceebeynta bulshada.” Waxaa kale uu ii sheegay ceebeynta in ay xittaa saameyso dadkii ka shaqayn lahaa caafimaadka dhimirka. “Waxaa dhacda dhakhaatiir baran lahayd cudurrada dhimirka in ay iska daayaan ama uga wareegtaan barashadiisa ceebeynta la xiriirta awgeed.” Waxaan Dr Axmad si gaar ah u weydiiyay saamaynta cudurrada dhimirka ay ku leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed. Wuxuu ii sheegay in ay dhalinyarada aad ula dhibaatoodaan cudurrada dhimirka. “Waagii hore da’da ay cudurradaan ku bilaaban jireen ayaa ku aaddanayd markii ay dadku kasii baxayaan da’da dhalinyaranimada, balse hadda, waxaaba la arkaa xittaa caruur la dhibaatoonaysa cudurrada dhimirka.” Diktoor Axmad wuxuu ii sheegay in dhalinyarada ay yihiin kuwa ugu badan ee ay saameeyaan cudurrada dhimirka. “Waxaa dhalinyarada aad u saameeya cudurrada dhimirka kala ah uur kutaallada (PTSD) oo ka dhasha dagaallada iyo kuwa la xiriira ama ka dhasha balwadda” Sida uu inoo sheegay Diktoor Axmad Jaamac, waxaa liita adeegga caafimaad ee cudurrada dhimirka. Sidaa darteed, dhakhaatiirta baratay cudurrada dhimirka oo isu yimid ayaa bilaabay howl-gallo wacyi gelin iyo baraarujin bulsho, waxayna horraantii bishii hore ee Oktoobar daah fureen ururka caafimaadka dhimirka ee Soomaaliyeed (Somali Mental Health Association). Diktoor Axmad Jaamac oo agaasime ka ah ururkan ayaa wuxuu ii sheegay in daahfurka keliya uu ahaa xafladdii bishii hore balse uu ururka shaqeeynaayay muddo ku dhow saddex sano. Wuxuu yiri, “Ururkan waxaa isugu yimid dad leh xirfado kala duwan iyo kuwa leh takhasus xirfadaha la xiriira caafimaadka dhimirka. Ujeeddadana waxay ahayd in xirfadleyaasha cudurrada dhimirka ay is bartaan ama is arkaan, ka dibna in laga caawiyo ummadda Soomaaliyeed xanuunada ka dhasha markii ay dhibaatooyin dhacaan iyo dhammaan baahiyaha la xiriira cudurrada dhimirka ee bulshada Soomaaliyeed.’’ https://www.bbc.com/somali/articles/czr4970edd7o +politics Amiir Harry iyo Meghan: Xagay ka helaan lacagahooda? "Xalqadii ugu horeysay ee documentari cusub oo ku saabsan Amiirka Sussex (amiir Harry) iyo xaaskiisa (Meghan) ayaa laga sii daayey Netflix. Amiir Harry iyo Meghan ayaan wax lacag ah ka helin qoyska boqortooyada, waxayna lamaanahani ka helaan qarashaadkooda dhanka ganacsiga. Amiirka iyo xaaskiisa Meghan waxaa is baray saaxiib ay wadaagaan sannaddii 2016, waxaanay is guursadeen 2018-kii.Waxay ka dageen maqaamka sare ee qoyska boqortooyada janaayo 2020. Xiligaas asaga ah. Waxay sheegeen inay ka xanaaqeen saxaafadda oo dhibtay iyo maamulka aqalka boqortooyada ee Buckingham oo ka hor joogsaday samaynta shirkadooda ""SussexRoyal"". Waxaa la sheegay qaar kale oo kamid ah qoyska boqortooyada in la ""dhibaateeyay"". Harry waxuu sii ahaa amiir, waxayna lamaanuhu sii haysteen darajada amiirka iyo amiiradda Sussex, balse waxaa la joojiyey in loogu yeero erayga lagu maamuuso dadka qoyska boqortooyada u dhashay ee (His/Her Royal Highnes). Harry wuxuu sidoo kale ka tanaasulay darajooyinkiisii militariga, sidaas awgeedna ma aanu soo xidhanin labiska ciidanka markii uu kasoo qayb galayey aaska boqorad Elizabeth-tii ugu dambeysay. Hase ahaatee, asaga iyo amiirka York (oo ah amiir aan shaqaynin) ayaa loo ogolaaday inay xidhaan lebiska militariga marka ay taagnaayeen goobta maamuuska ee naxashka gadaashiisa. Amiir Andrew ayaa iskaga tagay shaqada 2019-kii kadib saaxiibtinimadiisii muranka dhalisay ee uu la lahaa Jeffrey Epstein oo ah ganacsade la fadeexeeyay. Amiirka iyo amiiradda Sussex ayaa u guuray magaalada Montecito ee gobolka California Maraykanka bishii juun 2020. waxay sheegeen inay u baahanyihiin meel ay ku koriyaan wiilkooda Archie, ayna ugu kanshaystaan hay'addooda cusub ee Archewell. Gabadhooda Lilibet,ayaa dhalatay 2021-kii. Lamaanaha ayaa UK ugusoo laabatay bishii juun 2022 inay kasoo qayb galaan munaasabadda shan iyo labaatan sano guuradii u dambaysay ee kasoo wareegatay shaqada boqoraddii dhawaan geeriyootay, iyomar kale aaskeedii sibteembar. Ma cadda inay kasoo qayb gali doonaan caleema saarka Boqor charles. Shirkadda warbaahinta ee Sussexes, iyo tan soo saarka ee Archewell, ayaa barnaamijya kala duwan u sameeya Netflix - shirkaddan oo loo malaynayo inay ku fadhidu malaayiin doolar. Archewell ayaa sidoo kale Spotify u samaysa barnaamijyada dhagaysiga ee (Podcast), waxaa ka mid ah taxanaha Archetypes oo ku saabsan Dumar caan ah.\nHarry iyo Meghan ayaa waraysi siiyey Barnaamij soo jeediyaha maraykanka u dhalatay ee Oprah Winfrey maarso 2021-kii, balse waxay sheegaan inaan wax lacag ah lagu siinin waraysiga. Meghan ayaa daabacday buug caruureed lagu magacaabo The Bench 2021-kii.\nBuugga taariikh nololeedka Harry ayaa asna la daabici doonaa 10-ka janaayo 2023. Heshiisku sida uu yahay madbacadda Peguin Random House ayaa samayn doonta laba deqood oo gaaraya $1.5m (£1.3m) iyo £300,000,oo ay ku kala bixin doonto Hay'adaha Sentebale iyo ellChild. bishii maarso 2021, harry waxaa loo doortay ""madaxa saamaynta"" ee shirkadda naf dhowrka California ee BetterUp. Mushaharkoodii sanadlaha ahaa. Maadaama ay hayeen shaqo boqortooyo, waxay heli jireen 95% mushaharka Harry aabihiis, iyo amiirka Wales. Sanad maaliyadeedkii 2018-2019 (sanadkii ugu horeeyay ee guurkooda), gobalka Charles ee (Cornwall estate) ayaa bixiyey wax ka badan 5 milyan oo gini (£5m) oo lagu siiyey shaqadooda shacabka iyo qarashaad si shaqsi ah ugu baxay Sussexes, iyo amaiirka iyo amiiradda Cambridge. Charles kadib wuxuu siiyay ""wadar lacageed oo la taaban karo"" si loogu taageero u diyaar garowgooda isku filnaanta dhaqaale, sida xafiiskiisa lagasoo xigtay. Xisaabaadka Cornwall ayaa muujinaya in lamaanahan, iyo amiir William iyo Kate ay heleen dhaqaale gaaraya 4 iyo badh milyan oo gini ( £4.5m) intii u dhaxaysay April iyo Juun 2020. Isla markii ay ka dageen shaqada rasmiga ah amiirka iyo xaaskiisu waxay lumiyeen ilaaladii rasmiga ahayd ee loogu tala galay qoyska Boqortooyada. Markii u horaysay ee Harry ka baxay UK, wuxuu sheegay in khatar ay ku tahay in uu keeno qoyskiisa asaga oo aan haysan ilaalada booliska. Bishii luulyo 2022 waxaa la siiyey fasaxa ah inuu ka hor imaan karo go'aanka maxakamadda sare. Boqoradda ayaa harry iyo Meghan siisay aqalka Frogmore ee Windsor, kadib markay is guursadeen 2018. Dib u habayn ay ku baxday 2.4m oo gini ayaa laga bixiyey. Lacagtan oo markii ay shaqada ka dageen ay iska bixiyeen. William iyo Harry waxay heleen hanti gaaraysa £13m oo ay dhaxal ahaan u heleen kadib markii hooyadood, Princess Diana, ay geeriyootay 1997kii. Mar uu u waramayey Oprah Winfrey, ayuu harry sheegay in lacagtan ay u adeegsadeen geedigoodii Maraykanka: ""Waxaan haystay waxay hooyaday iiga tagtay. taas la'aanteedna guuritaankani iima suurta galeen."" Harry ayaa sidoo kale la aaminsanyahay inuu dhaxal ahaan uga helay malaayiin bawnd ayey labaadiisii, boqoradda hooyadeed. lama oga in boqoraddi u dambeysay ay uga tagtay wax hanti ah iyo in kale.\nIntii ay ku jirtay shaqada jilista ayaa waxaa la sheegay in Meghan laga siin jiray taxanaha Suits $50,000 oo doolar xalqadiiba. Waxay jilaysay doorka Rachel Zane in ka badan 100 xalqadood taxanahan oo ka koobnaa wax ka badan todobo qaybood." https://www.bbc.com/somali/articles/ce9vgw6dwpzo +health Nafaqada: Raashinka caafimaadkaaga kordhinaya """Yaa raba in uu caafimaad muddo dheer ku noolaado?"" waxay ma mid ahayd ereyadii kooxda rug caddaayada Boqoradda, markii ay qaadayeen heestooda caan baxday ee ay ku luuqeeyeen 1980-meeyadii. Dabcan annagoo idil waan jecel nahay inaan caafimaad ku noolaanno, ilaa intii suuragal ah. Waxyaabaha la wada garanayo ee caafimaadka qofka sare u qaada qaark durba waxay kusoo dhaceen maskaxdeenna, sida: jimicsiga, iska joojinta sigaarka iyo in raashin isu dheellitiran la cuno. Balse caafimaad ilaa heerkee ah ayaan ka heli karnaa cuntooyinka? Daraasad la daabacay bishii February ee sanadkan 2022-ka ayay cilmi baareyaasha Jaamacadda Bergen ee dalka Norway ku sheegeen in isbaddal aan ku sameyno raashinka aan cuneyno uu noo horseedi karo caafimaad dheeri ah. Xitaa waxay si gaar ah carrabka ugu dhufteen ""in tallaabadaas ay kordhin karto waqtiga celcelis ahaan ay ku eg tahay da'da gabowga"". Cilmi baaristan oo loo adeegsaday xirfado hal abuurnimo ah ayaa la isugu keenay natiijooyinka daraasado hore oo lagu sameeyay cuntooyinka, kuwaas oo la is barbar dhigay. Waxaa lagu darsay dadweynaha ku nool waddamada Mareykanka, Chiinaha iyo Yurub. Daraasadaha lagu daray waxaa ka mid ah midda caanka ah ee la sameeyay sanadkii 2019-kii, oo diiradda lagu saaray cudurrada dhibaateeyay caalamka. Iyagoo isticmaalaya habkan ayay khubaradu darseen sida ay cuntooyin cayiman u saameyn karaan caafimaadkeenna iyo nolosheenna, si ay u helaan raashinka ugu habboon. Waxay xogtooda kusoo koobeen in lagu dadaalo cunista khudaarta noocyadeeda kala duwan, miraha geedaha oo la qallajiyay, hadhuudhka nooc walba oo ka mid ah, sida gallayda, masagada, digirta iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waxyay ku taliyeen in la iska yareeyo hilibka cas iyo hilibka lasoo warshadeeyo. Raashinka inta badan Qaaradda Waqooyiga Ameerika laga isticmaalo ee u badan hilibka cas, cuntooyinka warshadeysan iyo kuwa sokortu ku badan tahay ayay ku taliyeen in la baddalo lagu baddalo khudaarta cagaaran iyo miraha uu ka mid yahay lawska. Miraha, khudaarta iyo kalluunka ayaa ah raashinka aysan dadku joogtada u cunin balse cilmi baareyaashu waxay ku adkaysteen in ay kuwaasi yihiin cuntooyinka caafimaadkeenna xoojiya. Raashinnada kale oo dhan ayay daraasaddu ku sheegtay in ay yihiin kuwo saameyn dhexdhexaad ah ku yeesha caafimaadka. Cuntooyinkaas waxaa ka mid ah hilibka cad, ukunta iyo saliidda khudaarta laga dhaliyo. Waxaase ay si gaar ah u ammaaneen saliid saytuunka oo saameyn aad u fiican ku yeelata caafimaadkeenna. Sida ay sheegeen cilmi baareyaashu, in raashinka noocan ah lagu billaabo da'da labaatanka ayaa horseedi kara in caafimaadka qofka uu hagaagsanaado muddo dheer. Waxaa sidoo kale waxtar badan balse intaas xoogaa ka yar laga heli karaa haddii xitaa da' wayn lagu billaabo, oo ilaa 60 sano jir ah. Hase yeeshee si uu qofku natiijo fiican u helo waa inuu ugu yaraan 10 sano joogteeyo raashinkaas. In la billaabo dabeecad cusub oo dhanka raashinka ah ayaase yeelan karta caqabaddeeda. Laakiin cilmi baareyaasha ayaa ku baaqay in xitaa qayb ahaan loo hirgeliyo arrintan, si uu caafimaadkeenna sare ugu kaco. Khubarada daraasaddan soo saaray ayaa sameeyay app lagu magacaabo ""Food 4 Healthy Life"" oo micnaheedu yahay ""Cuntada caafimaadka nolosha"", kaasoo laga heli karo internet-ka." https://www.bbc.com/somali/war-60984968 +entertainment Kareena Kapoor oo qiratay inay 2 jeer guur ka diiday jilaa caan ah "Aratiishada caanka ah ee Hindiya, Kareena Kapoor ayaa markii ugu horreysay qiratay inaysan si 100% ah uga falcelinin guurkii ugu horreeyay ee uu usoo bandhigay Saif Ali Khan, markii labaad ee uu guurka ka dalbadayna aysan wali hubin inay ku kalsoonaan karto, sida ay maanta qoreen warbaahinta Hindiya, oo uu ka mid yahay wargeyska Hindustan Times. Kareena oo wareysi siisay warbaahinta Pinkvilla ayaa su'aal laga weydiiyay waxa ka jira wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya inay ku gacan seyrtay guurka Saif. Waxay sheegtay in Saif uu markii ugu horreysay suurtagalnimada guurkooda kala hadlay xilligii ay isla jilayeen filimka lagu magacaabo Tashan. Markaas ayey sheegtay inay filimka ku duubayeen waddanka Giriigga, ka dibna iyagoo howsha wada uu Saif usoo bandhigay mowduucaas. Iyadoo sharraxeysa ayey tiri: ""Wuxuu igu yiri 'waxay ila tahay inaan isguursanno'. hadalkaasna wuxuu ii sheegay annagoo isla joogna Giriigga, mar kalena hadalkaas wuxuu igu soo celiyay annagoo jileyna filimka lagu magacaabo Ladakh. Anigana waxaan markaas ku dhahay: 'ma ogi, sababtoo ah kuma garanayo'. marka runtii taas micnaheeda ma ahayn 'maya', balse waxay ahayd inaan doonayay inaan si wanaagsan isku sii baranno"". Kareena Kapoor ayaa su'aal laga weydiiyay sida ay shaqadeeda usii wadatay iyadoo la guursaday, carruurna yeelatay. ""Waxaan u maleynayaa inaan sameeyay go'aankii ugu wanaagsanaa nolosheyda oo dhan. Si wanaagsan ayaan u kala caddeeyay arrimaha ku saabsan nolosheyda xirfadeed iyo midda shakhsi ahaaneed ee la xiriirta qoyska. Cudur ma aha in uu qofku jacayl galo, dhimashona ma aha. Waan u sheegay Saif, waxaana ku iri: 'I dhageyso, aniga waligey ma joojinayo shaqadeyda', isaguna wuxuu i yiri: 'taas waajib ayey kugu tahay'. Saif Aali Khan ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay lagu weydiiyay inuu khatar ka dareemayo guulaha ay Kareena ka gaartay shaqada jilista, gaar ahaan maadaama uusan filimkiisa heer fiican ka gaarin box office-ka. Isagoo su'aashaas ka jawaabaya ayuu yiri: ""Maya, maya, maya. Waxay ila tahay inaan aad uga fognahay arrin noocaas ah. Cid lagu eedi karo ma jirto taas, waad ogtahay xaaladuhu way isbaddalaan, mar kor ayaad jirtaa marna hoos. Mararka qaar qof ayaa ka guulo badan kan kale, mar kalena labada qofba waxay wadaagayaan wakhti aad u wanaagsan. Laakiin aniga waligey sidaas uma fakarin. Run ahaantii guulaha aan ka gaaray nolosheyda waxba kama galin box office, waa mid khuseysa qoyskeyga"". Kareena Kapoor iyo Saif Ali Khan oo labaduba ah jilayaal caan ka ah dalka Hindiya, dunidana si weyn looga yaqaanno, ayaa isguursaday 16-kii bishii October ee sanadkii 2012-kii." https://www.bbc.com/somali/war-50561021 +sports $7,000 oo doolar ayuu ku soo galay garoonka ay ciyaarta ka socotay, wuuna iska seexday "Maalintii Axadda, nin taageere kubadda cagta ah ayaa dad badan ka yaabiyay ka dib markii uu ku seexday kursigiisa, xilli ay socotay ciyaar aad u xiiso badan oo ka dhaceysay dalka Mareykanka. Arrinta la yaabka leh waxay ahayd in ninkani uu galitaanka garoonka ay ciyaartaas ka dhaceysay ku bixiyay lacag dhan $7,000 oo doolar, ka dibna uu iska seexday ciyaarta oo qeybihii ugu horreeyay mareysa. Muuqaal ku faafay Twitter-ka, oo ay garoonka dhexdiisa ku qaadday gabar wariye ah oo lagu magacaabo Karisa Maxwell, ayaa lagu arkayay ninka oo kursigiisa ku fadhiya, madaxana ku tiiriyay darbiga garoonka, gacmihiisa ay isasaaran yihiin, indhahana isku haya. Taageerayaasha kale ee agtiisa joogay ayaa aad ugu mashquulsanaa daawashada ciyaarta weyn ee socotay, waxayna qaarkood xitaa ku daawanayeen taagnida. Gabadha muuqaalka ka duubtay ayaa barteeda Twitter-ka soo galisay, iyadoo raacisay qoraal ah: ""Ninkan wuxuu dhex hurdaa ciyaarta #SuperBowl. Haddana waxaan ku jirtaa qeybtii ugu horreysay ee ciyaarta"". Ciyaarta uu ninka lacagta badan ku bixiyay balse uu ku seexday ayaa ah nooc kubadda cagta ka mid ah oo laga ciyaaro waddanka Mareykanka, laakiin ka duwan ciyaaraha kubadda cagta ee loo badan yahay. Qiimaha celceliska ah ee laga qaado halkii qof ee galaya garoonka ayaa lagu qiyaasay $7,000 oo doolar, inkastoo mararka qaar ay ka badan tahay mararka qaarna ka yartahay intaas. Waxaa ciyaartan ku kulmay labada kooxod ee lagu kala magacaabo Kansas City Chiefs iyo San Francisco 49ers, waxayna ka dhacday garoonka Hard Rock Stadium, oo ku yaalla magaalada Miami. Ciyaartoyda kooxda Kansas City Chiefs ayaa soo afjaray ayaar 50 sano ka heysatay dhinaca guulaha, waxayna guul cajiib ah kusoo hoyiyeen 31-20, iyagoo markii hore laga dhibco badnaa balse dib ka soo labakacleeyay. San Francisco 49ers oo qeybihii hore ee ciyaarta aad u gacan sarreysay ayaa looga adkaaday ciyaartaas oo ahayd xilli ciyaareedkii 100-aad ee horyaalka NFL." https://www.bbc.com/somali/war-51373332 +health Nadaafadda afka: Maxaa sababa af urka, sidee ayaadna uga hortagi kartaa? Nadaafadda afka waa dhibaato ay khubarrada ku sheegeen inay saameyso ku dhowaad 25 boqolkiiba bulshada caalamka. Waxaa jiro waxyaabo badan oo dhibaatadan sabab u ah, balse intooda badan waxay la xiriiraan nadaafadda afka. Af urka ayaa isku buuq ku abuura bulshada, waxaana takoor la kulmi kara qofkii lagu arko, balse ma fududa in laga soo kabto dhibaatadan. Wargeyska arrimaha caafimaadka ee MNT ayaa daabacay warbixin dadka ka caawin karta wax ka qabashada xaaladdan. Wargeyska Medical News Today ayaa ku qiyaasaya in afartii qofba uu qof ka mid ah qabo dhibaatada af urka. Urta neefta waa sababta saddexaad ee ay dad badan u raadsadaan daaweyn kaddib marka ay la soo deristo ilko xanuun. Neefta oo soo urta waa dhibaato jirta oo degganaansho la'aan ku keenta qofka. Inkastoo, dadka qaar aysan is ogeyn in afkoodu urayo, balse kuwa agtooda jooga ayaa dareemi kara. Waxay xaaladdan qofka dareensiisaa inuu ceeb dareemo gaar ahaan marka uu ogyahay in la dareemayo urta neefta. Waxaa ceebtaas dareenkeeda u badan dumarka. Af urka waxaa aalaaba laga dareemi karaa masaafo ilaa afar mitir ah. Af urka waxaa sababi kara haddii aan si wanaagsan ilkaha loo cadeynin. Sidoo kale, waxaa jiro cunnooyinka qaar oo sababi kara af urka. Arrimo kale oo badan ayaa sidoo kale horseedi kara af urka. Sida ugu fiican ee aad ula tacaali karto af urka waa in aad afkaaga nadiifisaa adiga oo si joogto ah ilkahaaga u cadeynaya mar walba oo aad wax cunto iyo markaad seexaneyso. Si joogto ah ula kulan dhaqtarkaaga ilkaha si aad u ogaato in ilkahaaga ay jirran yihiin sidaas darteedna ay keeneyso af urka. In aad dhaqtar aragto sannadkii labo jeer ayaa kugu filan. Waxaa fiican in aad afkaaga ku meyrto biyo diirran iyo cusbo maaddaama ay dilayaan jeermiska afkaaga ku jira ee sababaya af urka. Ku dadaal in aad afkaaga ka saarto cuntada ku hartay. Marka ay cadeysiga tahay, sidoo kale caday carraabkaaga. Kafogow in afkaagu qalleyl noqdo. In aad cabto biyo badan ayaa xaaladdan yareyn karta xitaa haddii aadan maalintaas oo dhan wax cunin. Ka fogow cabidda sigaarka amaba aalkolada. Cun cunnooyinka fudud ee aan sokorta ku jirin. Haddii uu qofku isku dayo inuu sameeyo waxyaabahaas oo dhan welina ay dhibaatadu heysato waxaa fiican inuu u tago dhaqtar, waxaa laga yaabaa inay jiraan ilko daxalaystay oo u baahan in la bixiyo. Dadka qaar ayaa ku taliya inaad ilkahaaga cadeyso maalintii labo jeer. Balse dhaqaatiirta caafimaadka ayaa ku talinaya arrimo kale oo muhiim ah oo loo baahan yahay inaad sameyso si aad uga badbaaddo af urka, ilkaha oo daxaleysta, iyo cirridka oo ku bukooda. Waaxda Caafimaadka UK (NHS) ayaa ku talineysa in markaad cadaysiga dhammeyso, aad mar labada daawada ilkaha isticmaasho, oo aadan luqluqan hal mar oo aad cadeysatay. NHS ayaa dadka kula talineysa inaysan isticmaalin qori si ay cuntada uga saaraan ilkaha dhexdooda, maaddaama qoryaha ay saameynayaan cirridka ayna sababi karaan caabuq. Khubarrada waxay ku talinayaan inaad isticmaasho dun aad ilkaha dhexdooda gelineyso si aad uga soo saarto cuntada ku hartay ee sababeysa af urka. Si kastaba waxay soo jeedinayaan inaay joogto u isticmaasho dunta si aad uga shaqeyso caafimaadka iyo nadaafadda afkaaga. NHS ayaa dadka kula talineysa inay isticmaalaan biyo daaweysan oo lagu luqluqdo. Cadeysiga kaddib markii aad biyo ku luqluqato, waa inaad isticmaashaa biyaha daweysan oo kaa caawinaya in maaddada fluoride ay ku sii jirto afkaaga si ay u nadiifiso. NHS ayaa dadka kula talineysa inay ilmaha ka caawiyaan cadeysiga ilaa ay ka gaaraan toddoba sano. Sida talada ku xusan, haddii aadan caawin, ma awoodi doontid inaad la socoto amaba barto sidii ay u nadiifin lahaayeen ilkahooda mana xusuusan doonaan inay si joogto ah u cadeystaan. https://www.bbc.com/somali/war-58861570 +politics Dhallinyaro TikTok ku aflagaadeeyay mas'uul dowladeed oo lagu riday xukun aaney fileyn Laba nin oo ka mid ah dadka isticmaala barta TikTok ee dalka Nigeria ayaa lagu xukumay karbaash waxaana  ay maxakamddu ku qasabtay in ay nadiifiyaan dhismaha maxkamadda ka dib markii ay si jees-jees ah wax uga sheegeen mas’uul ka tirsan dowladda. Mubarak Cise Maxamed iyo Maxamed Bula ayaa lagu helay dambi ah inay aflagaadeeyeen Cabdullahi Ganduje, oo ah guddoomiyaha gobolka waqooyi ee Kano. Qareenka labadan qof ayaa sheegay in aysan ka hadli  doonin xukunka ku dhacay raggan. Dalka Nigeria waxaa ku soo badanaya dadka isticmaala baraha bulshada kuwaas oo waxyaabaha ay soo dhigaan uga faallooda arrimaha bulshada iyo siyaasadda. Mubarak Ciise Maxamed iyo Maxamed Bula ayaa la xiray toddobaadkii hore ka dib markii ay soo bandhigeen muuqaalkooda oo ay ku jeesjeesayaan guddoomiyaha gobolka oo ay ku eedeeyeen musuqmaasuq dhuleed iyo inuu ka seexday shaqadiisa. Muuqaalladaas waxaa lagu baahiyay TikTok iyo Facebook. Qareenka dacwad oogayaasha, Wada Axmed Wada ayaa sheegay in raggan ay aflagaadeeyeen guddoomiyaha gobolka, waxa uuna tilmaamay in falka ay sameeyeen uu yahay mid khalkhal galin kara amniga bulshada. Raggan ayaa qirtay dambiga iyagoo codsaday in loo dabciyo xukunka, balse garsooraha ayaa amray in midkiiba lagu dhufto 20 jeedal, ayna bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 10,000 naira oo ah lacagta Nigeria (oo u dhiganta qiyaastii $20) iyo in ay nadiifiyaan dhismaha maxkamadda muddo 30 maalmood ah. Waxaa sidoo kale lagu amray inay baraha bulshada ka raali galiyaan Mr Ganduje. Qareenka u doodayay oo lagu macaabo Bashiir Yuusuf ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka doodi doonin xukunka, maadaama uu yahay xukun aysan ku gali doonin xabsi. Nigeria waxaa si xawli ah uga kordhay isticmaalayaasha TikTok sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan dhallinyarada. Dadka isticmaala TikTok ayaa mararka qaarkood ku xad-gudba shakhsiyaad ka mid ah  dadweynaha oo ay ku jiraan saraakiisha dawladda, iyaga oo inta badan googooya sawirro ama muuqaallo, si ay u abuuraan majaajilo ay ku soo jiitaan taageerayaal badan. Gobolka Kano oo ah gobol ay Muslimiintu ku badan yihiin oo ku yaalla waqooyiga Nigeria ayaa ka mid ah ilaa toban gobol oo ku dhaqma nidaamka shareecada Islaamka oo lagu lifaaqay sharciyada kale ee dalka. Dadka Muslimiinta ah oo keliya ayaa lagu maxkamadayn karaa maxkamadaha shareecada islaamka. TikTok waxaa si rasmi ah loo furay sanadkii 2018, ka dib markii uu ku milmay shirkad kale oo Shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo, Musical.ly, oo ah barnaamij dadka u oggolaanaya inay heesaha qaab jilitaan ah u qaadaan. Shirkadda ayaa waxaa la soo gudboonaaday caqabado badan. Sanadkii 2019, si ku meel gaar ah ayaa looga mamnuucay Hindiya. Shirkad wax baarta oo Mareyanka laga leeyahay ayaa sheegtay in Musical.ly ay oggoshahay waxyaabaha ay soo dhigaan da'yarta waxaana lagu ganaaxay £4.3 milyan. Shirkaddan oo noqotay App-ka ugu caansan Shiinaha, ayey amnigeeda walaac ka muujiyeen siyaasiyiin iyo shirkado kale. Sanadkii la soo dhaafay TikTok ayaa lagu qasbay inay ka falceliso warar sheegayay inay maamusho dowladda Shiinaha. Theo Bertram, oo ah madaxa siyaasadda bulshada ee TikTok ee dalalka Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa sheegay inay diidi doonto dalab walba oo uga yimaada Shiinaha oo ay xogta dadka isticmaala ku dalbaneyso. App-kan waxaa la iskula wadaagaa muuqaallo gaagaaban, madadaalo, qoob ka cayaar iyo siyaasad. https://www.bbc.com/somali/articles/c1dev8dmk3po +politics Colaadda Ukraine: Maxaa hor taagan in Mareykanka uu dagaal la galo Ruushka? "Madaxweyne Joe Biden waxa uu dadaallo aad u xooggan oo dhanka diblomaasiyadda ah u sameeyay si uu uga hortago farogelin uu Ruushka ku sameeyo Ukraine. Maamulkiisu waxay digniino aad u clus ka jeedinayeen in Ruushka uu xoog ku gali rabo dalkaas - taasoo run noqotay - waxa ayna ku dhawaaqeen in tallaabadaasi ay khatar gelineyso xaaladda guud ee caalamka. Balse Mr Biden waxa uu sidoo kale caddeeyay in Mareykanku aysan dooneynin in uu dagaal galo, inkastoo ay sida cad ay Ruushka diyaar u yihiin dagaal. Intaas waxaa sii dheer in Biden uu meesha ka saaray inuu ciidamo Mareykan ah u dirayo Ukraine si ay usoo badbaadiyaan muwaadiniinta Mareykanka ah, haddii ay xaaladdu heerkaas gaadho. Waxaa uu xitaa soo bixiyay la taliyeyaashii militeriga Nareykanka ee ku sugnaa Ukraine iyo kormeerayaashiiba. Haddaba muxuu xariiqinta casaanka ah u mariyay arrintan ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda ee ugu saameynta badneyd xilliga uu madaxweynaha yahay. Tan ugu horreysa waa in Ukraine aysan deris la ahayn Mareykanka. Kuma taallo meel xad la leh Mareykanka. Mana martigeliso saldhig militeri oo uu Mareykanku leeyahay. Ma laha keyd saliid oo istiraatiiji ah, mana ka mid aha xulafada waaweyn ee xiriirka ganacsiga la wadaaga Mareykanka. Hase yeeshee, in xaaladdu aysan saameyn ku lahayn amniga qaranka Mareykanka kama hor istaagin madaxweyneyaashii hore in ay dhiig iyo hantiba u huraan waddamo kale. Sanadkii 1995-kii, Bill Clinton waxa uu farogelin militeri ku sameeyay dagaalkii daba socday burburkii Yugoslavia. Bishii October ee sanadkii 2011-kiina, Barack Obama waxa uu sidaasoo kale sameeyay markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee dalka Liibiya, inkastoo labada jeerba ujeeddada ugu weyn ay ahayd mid la xiriirta dhinaca dhinaca bani'aadannimada iyo xuquuqda aadanaha. Sanadkii 1990-kii, George H W waxa uu marmarsiiyo u helay ololihiisii caalamiga ahaa ee uu Ciraaq uga saaray markii ay qabsatay Kuwait, isagoo ujeeddadiisu ahayd in uu ilaaliyo sharciga caalamka. La taliyeyaasha Biden waxay adeegsanayeen luuqad taas la mid ah marka ay ka hadlayeen sida uu Ruushku khatar ugu yahay kala nidaamka iyo nabadda adduunka. Balse waxay ku talinayeen in jawaabtu ay noqoto mid dhanka dhaqaalaha ah oo cunaqabateyno loogu rogayo Ruushka, mana aysan dooneynin in tallaabo militeri la qaado. Arrintani waa mid ku saabsan shakhsiyadda gaarka ah ee madaxweyne Biden oo aan raalli ka ahayn in faroelin la sameeyo. Haddii uu oggolaadayna, waxay soo martay marxalado badan. Waxa uu taageeray farogelintii militeri ee uu Mareykanku 1990-meeyadii ku sameeyay dagaalladii beelaha la xiriiray ee ka dhacay Balkans. Waxa uu sidoo kale u codeeyay tallaabadii uu Mareykanka dagaalka ugu qaaday Ciraaq, sanadkii 2003-dii. Balse tan iyo xilligaas wixii ka dmabeeyay waxa uu badiyay walwalka uu ka qabo in Mareykanku uu adeegsado awood militeri. Waxa uu kasoo horjeestay go'aankii uu Obama ku farogeliyay Liibiya iyo sidoo kale kordhinta ciidamadii joogay Afghanistan. Waxa uu si joogto ah oo xooggan u difaacaa tallaabadii uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray dalka Afghanistan, sanadkii lasoo dhaafay, xilli ay xitaa jirtay cabsi laga qabay in ay dhacaan xasarado bani'aadannimo. Sarkaalkiisa ugu sarreeya dhinaca diblomaasiyaddana, oo ah wasiirka arrimaha dibadda, Antony Blinken - ahna ""ninka dhegta wax ugu sheega"" Biden oo siyaasadda arrimaha dibadda ee madaxweynaha soo garab taagnaa wax ka badan 20 sano oo uu la shaqeynayay - waxa uu isagana qeexay in danaha qaranka ay diiradda ku saarayaan la tacaalista isbaddalka cimilada, dagaalka ka dhanka ah cudurrada caalamiga ah iyo tartanka ay kula jiraan Shiinaha ee ku sabasna dhanka farogelinta militeriga. Ra'yi aruurin ay dhawaan sameysay AP-NORC ayaa lagu ogaaday in 72% ka mid ah shacabka ay sheegeen in Mareykanka uu door yar uun ka qaato dagaalka Ruushka iyo Ukraine, ama uusan ku lug yeelanin gebi ahaanba. Waxay xoogga saarayaan shacabku sidii looga caawin lahaa dhanka jeebka, gaar ahaan ka hortagista sicir bararka, arrintaas oo ah mid uu Biden maskaxda ku hayo hadda oo loo dhowy yahay kala barka waqtigii la doortay iyo waqtiga ka dhiman doorashada xigta. Marka laga eego dhanka siyaasadda arrimaha dibaddana, Senator-ka xisbiga Jamhuuriga ee lagu magacaabo Marco Rubio ayaa sheegay in dagaal dhex mara labada dal ee ugu awoodda badan dhinaca nuclear-ka uusan u wanaagsaneyn dunida. Taasi waa meesha ugu dambeysa - Putin waxaa bakhaar uga buuxa madaxyada hubka nuclear-ka. Biden ma doonayo in uu kiciyo ""Dagaalka Adduunka ugu weyn"" taasoo ah in ay si toos ah Ukraine ugu dagaallamaan Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ruushka, taasina mar walba wuu caddeynayay. ""Tani lama mid aha sida inaan la tacaaleyno koox argagixiso ah,"" ayuu madaxweynaha ku yidhi wareysi uu horaantii bishan siiyay warbaahinta NBC. ""Waxaan la tacaaleynaa mid ka mid ah waddamada ugu awoodda badan caalamka. Arrintani waa xaalad aad u adag, wax kasta si deg deg ah ayay isu baddali karaan."" Ma jiraan wax heshiisyo ah oo Mareykanka ku kallifaya in uu halis galo. Weerar lagu qaado waddan kasta oo ka tirsan isbahaysiga Nato waxa uu la mid yahay weerar lagu qaaday dhammaan waddamada - sababtoo ah qodobka 5-aad ee dastuurka lagu aasaasay gaashaanbuurta ayaa ah in dhammaan dalalka xubnaha ka ah ay midba midka kale difaacaan. Laakiin Ukraine xubin kama aha Nato, waana qodobka uu Blinken sheegay marka uu caddeynayay in Mareykanku aysan dagaalka ku biiri doonin. Madaxweyne Biden waxa uu ciidamo u dirayay Yurub, waxa uuna kordhinayay kuwa horay usii joogay halkaas, si uu u difaaco xulafada Nato ee xadka la wadaaga Ukraine iyo Ruushka. Tallaabadaas waxay ahayd mid go'aanka Mareykanka loogu xaqiijinayay dalalka horay uga tirsanaan jiray midowgii Soviet ee ka walaacsanaa ujeeddada ballaadhan ee Putin uu ka leeyahay howlgalkan, oo ah in Nato uu ka riixo bariga Yurub. Balse dagaalka lagu qaaday Ukraine isbuucan waxa uu dib usoo celiyay walaacyada ku saabsan in dagaalka uu noqdo mid ballaadhan - ha ahaado mid si kama' ah u heerkaas u gaadha ama mid ay Ruushka ku talogaleen. Hadii ay sidaas dhacdana, waxaa khasab ah in uu dhaqan galo qodobka 5-aad ee dastuurka Nato, sidaasna waxaa dagaalka ku soo gali ciidamada Mareykanka. ""Haddii uu Ruushka tallaabo u qaado dalalka ku jira Nato, waan ku biiri doonnaa dagaalka,"" ayuu yidhi Biden." https://www.bbc.com/somali/war-60526261 +technology Instagram: Dadka da'dooda ka beensheega oo dhowaan la ogaan doono "Instagram ayaa qorsheyneysa qaabab ay da'yartu u xaqiijinayaan da'dooda si waafaqsan shuruucda bartan. Bartan oo ay leedahay Meta ayaa tijaabineysa muuqaallada la iska duubo oo lagu sameynayo falanqeyn da'da ah. Dadka isticmaala Instagram qaarkood ayaa isku daya inay ka been sheegaan sharciga bartan ee ah in qofku ka weyn yahay 13 sano iyagoo iska dhiga kuwo ka weyn 18 jir. Balse dhalinyarada Mareykanka ayaa loo soo bandhigi doonaa saddex hab oo ay da'dooda ku xaqiijiyaan: inay barta geliyaan kaarkooda aqoonsiga, in saddex qof oo qaangaar ah ay ka codsadaan inay u xaqiijiyaan iyo inay muuqaal iska duubaan. Meta ayaa sheegtay inay rajeyneyso qaabab cusub oo lagu xaqiijinayo in dhalinyarada ay raacaan shuruucda da'da ee u degsan Instagram. Bartan ayaa hore waxaa loogu cambaareeyay badqabka da'yarta iyo carruurta. Dhowr gobol oo ku yaalla Mareykanka ayaa sanadkii la soo dhaafay baaritaan ku sameeyay Instagram sababo la xiriira waxa ay da'yartu kala kulmaan. Waaliddiinta dhalinyarada isticmaala Instagram ayaa horraantii bishan la siiyay qaabab dheeraad ah oo ay ula socdaan waxa ay carruurtooda ka qabtaan Instagram. Waxay haatan awoodaan inay waqti xaddidan u sameeyaan ayna eegaan waxa ay carruurtoodu ku wadaagaan bartaas. Muuqaallada la iska duubo ayaa noqday kuwo caan ah oo qaab xaqiijin ah waxaana isticmaala bankiyada iyo shirkado kale si qofka da'diisa loo xaqiijiyo. Instagram ayaa haatan isticmaala muuqaallada la iska duubo oo qofku ku xaqiijin karo da'diisa haddii uu akoonka ka xirmo. Meta ayaa heshiis la gashay barta xaqiijinta ee UK laga leeyahay ee Yoti, taas oo qofka wajigiisa ka garaneysa da'diisa. Yoti ayaa sheegtay in dadka si qarsoodi ah loo baarayo wajigooda iyo taariikhda da'dooda, iyadoo aan xog kale laga rabin. Meta ayaa sheegtay in labada shirkadoodba ay tirtiri doonaan sawirka qofka kaddib marka da'diisa la xaqiijiyo. Dr Ysabel Gerrard, oo bare warbaahinta casriga ah iyo bulshada ka ah Jaamacadda Sheffield, ee UK ayaa sheegtay in habka cusub ee xaqiijinta da'da ee Instagram ay yihiin kuwo dheeraad ah oo ka baxsan in qofka la weydiiyo oo keliya inuu meesha geliyo kaarskiisa aqoonsiga. Balse waxay sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in la is weydiiyo sababta da'yarta ku kallifeysa marka horeba inay sameystaan akoonno ay isaga dhigayaan dad waaweyn. ""Badankood ayaa Instagram ka sheega inay ka weyn yihiin 18 sano si aysan wax xun u sameyn amaba u daawan wax xun,"" ayay tiri Dr Gerrard. ""Inay qof weyn isku diwaangeliyaan waxay ka dhigeysaa inay dareemaan ammaan sababtoo ah uma maleeyaan in la beegsan karo.""" https://www.bbc.com/somali/war-61934314 +business ‘Gaarigeyga ayaan iibiyey si aan xajka u aado, balse iima suuragelin’ Sanad weliba waxaa acmaasha xajka guto kumannaan muslimiin ah oo daafaha dunida ka kala yimaadda. Sanadkanna waxaa xajiyey ku dhawaad hal malyan sida ay shaacisay wasaaradda Xajka iyo Cumarada Sacuudi Carabiya. Xajka sanadkan muslimiin badan oo dalka Itoobiya ka soo jeedda ayaa qorsheyneysay iney xajka soo gutaan balse uma suuragelin. Dadka sanadkan xajka ka baaqday waxaa ka mid ah Axmed Karam, kaddib marki ay dowladda dalkaasi Itoobiya lacagti doolarka ay dadkaasi ku xajin lahaayeen u diri weyday wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Sacuudi Carabiya. Labadii sano ee u dambeeyey Xujeyda ay saameysay xayiraaddi ka dhalatay Covid-19 ayuuna ka mid ahaa. Hase yeeshee, sanadkan ayuu ku rajo weynaa inuu xajiyo, isaga oo muddo afar sana ah dadaal ugu jiray sidi xajka uu mar un ugu suurageli lahaa. Sanadkan 1443-ka Hijriyada ama 2022-kana wuxuu ka mid noqday dadki ugu horreeyey ee iska diiwaan geliyey golaha sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya oo doonayey iney xajka soo gutaan.. Iyada oo dalka Itoobiya sanadkan loo qoondeeyey xujeey ay tiradoodu gaareyso 19,600 balse 12,000 oo keli ah ay shuruudihi buuxiyeen, marka Axmed Karam marnaba kuma fikirin inuu fursadda uu sanadkanna waayi doono. Wuxuuna diyaarsaday lacag 4,000 oo doolar oo uu xajka ku aadi lahaa, balse dowladda Itoobiya ayaa si lama filaan ah u shaacisay iney doolar la’aan soo wajahday oo ay xajinayaan oo keli ah 3,000 oo xujeey. “Si aad ah Ayaan sanadkan xajka u sugayey inuu ilaaheey ii nasiibo, howlaheyga adduun oo dhanna faraha ayaan ka qaaday si aan waajibka uu Ilaahey I saaray u guto, laakiin nasiib uma yeelan aad baan uga xumahay balse qaddar Alle Ayaan la dhaafi karin” ayuu yiri. “Si Xajka sanadkan uu iiga baaqan lacagti aan u diyaarsaday si ay iigu yaraan oo aan xajka uga baaqan waxaan iibiyey hal gaari oo aan lahaa,” ayuu Axmed sii raaciyey. Gudashada waajibaadka Xajka ayaa ah mid wakhti iyo dhaqaale badan u baahan oo dadka awoodo oo keli ah ay gutaan. Maadaamaa ilaahey qof aan awoodin uu xajka ku waajibinin. “Waana marki afaraad uu xajka iga baaqdo, waxaase iga sii daran dad badan oo da’ ah oo hantidoodi oo dhan soo iibiyey oo niyad jabka soo gaaray la ooynaya,” ayuu yiri Axmed Karaama oo xajka ka baaqday. Sanadkan 2022-ka dalka Itoobiya waxaa xajka ka baaqatay xujeey ay tiradoodu kor u dhaafeyso 8,000. Axmed Karaama oo BBC laanteeda Amxaariga u warramay wuxuu sheegay, “Sanadka soo socda inuu marki shanaad uu nasiibkiisa tijaabinayo ilaaheyna uu ka rajeynayo inuu ku guuleeyo haddii ilaahey noolol uu ku gaarsiiyo.” Guddoomiyaha Golaha sare ee Arrimaha Islaamka Xaaji Cumar Idiris wuxuu sheegay sanadkan iney dalka Itoobiya ka xajiyeen oo keli ah dad aan ka badneen 3,000 ayna sababtay doolarki dowladda laga sugayey oo xilligii la rabay aan wasaaradda Xajka iyo Cumarada Sacuudiga soo gaarin wakhtiguna uu sidaa ku dhammaaday.” https://www.bbc.com/somali/articles/cx87v1079pdo +health Faa'iidooyinka caafimaad ee laga helo tufaaxa Tufaaxa waxaa ku jira fitamiinno iyo maaddada fiber-ka ee caloosha u fiican, wuxuuna ka mid yahay miraha u wanaagsan caafimaadka, sida ay sharraxeyso Nicola Shubrook oo ku takhasustay cuntooyinka nafaqada leh kana howlgasha dalka UK. Tufaaxu waxa uu leeyahay midabyo kala duwan, wuxuu u kala baxaa ku dhowaad noocyo gaaraya ​​2,000, waxaad arkeysaa tufaax cagaar ah, mid leh midabka huruuddda iyo casaan ah, dhadhankooda wuu kala duwan yahay. Tufaaxa waxaa ku jira nafaqooyin kala duwan oo isugu jira, borotiin, fitamiin C, maaddada potassium iyo carbohydrates. 1. Wuxuu hoos u dhigaa heerka kolestaroolka Tufaaxa waxaa ku jira maaddada pectin oo ah fiber dabiici ah oo laga helo dhirta. Cilmi-baaris dhowaan lagu daabacay joornaalka Yurub ee ka faallooda nafaqada ayaa lagu ogaaday in cunista tufaaxa uu ku badan yahay maaddada pectin-ka ayna saameyn ku leedahay hoos u dhigista heerka kolestaroolka. Sidoo kale daraasad kasoo baxday akadeemiyadda nafaqada waxay muujineysaa in cunista qiyaastii 75g oo tufaax ah oo la qallajiyey (qiyaastii laba xabbo oo tufaax ah) ay ka caawisay hoos u dhigista kolestaroolka gaar ahaan haweenka uu ka go'ay dhiigga caadada. 2. Waxaa laga yaabaa in uu ka hortago cudurka macaanka Maaddaama tufaaxa uu ka baxo maaddada fiber-ka haddii ay ku darsanto maaddada kale ee isla tufaaxa laga helo ee flavonoid-waxay ka qeyb qaadanayaan inay xoojiyaan dareenka ka dhasha maaddada insulin taasoo muhiim u ah maarreynta miisaanka qofka iyo ka hortagga cudurka macaanka. 3. Tufaaxa wuxuu ka hortagga cayilka Cilmi-baaris lagu sameeyay xayawaannada qaar waxay muujiyeen in maaddada pectin ee uu soo saaro tufaaxa ay gacan ka geysan karto nidaaminta microbiome-ka (bakteeriyada mindhicirka waxtarka u leh), taas oo iyadana laga yaabo inay ka hortagto cayilka iyo cudurrada kale ee ka dhasha xasaasiyadda. Daraasadaha lagu sameeyay bini'aadamka waxay sidoo kale u muuqdaan kuwo rajo leh, laakiin cilmi-baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay oo ku saabsan tufaaxa. 4. Waxaa laga yaabaa inuu ka hortago cudurrada wadnaha Tufaaxa ayaa qani ku ah maaddada quercetin, cilmi-baaris ay sameysay Jariidada laga leeyahay Mareykanka ee ka faalloota arrimaha nafaqada waxay ogaatay in dadka ay jirkooda ku badan tahay maaddada quercetin ay yihiin dadka ugu horreeya ee cuno tufaaxa kuwaasoo ay yartahay halista ah inay ku dhacaan cudurrada daba dheeraada oo ay kamid yihiin neefta iyo cudurrada wadnaha. 5. Tufaaxa lafaha ayuu u fiican yahay Isticmaalka khudradda iyo miraha ayaa loo maleynayaa in lala xiriiriyo xoojinta caafimaadka lafaha. Natiijooyinka ka soo baxay daraasad lagu sameeyay haween caafimaad qaba ayaa soo jeedinaya in tufaaxa, gaar ahaan uu xoojin karo heerka maaddada calcium-ka jirkeenna ee xoojiya xoogga lafaha. https://www.bbc.com/somali/articles/c6p5zxekv12o +politics Toogasho arday lagu laayay oo ka dhacday Mareykanka "Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Uvalde, ee gobalka Texas ee dalka Mareykanka ,magaalada dilku ka dhacay waxaa ku nool dad gaaraya 16,000 oo qof , waxayna galbeed ka xigtaa magaalada San Antonio. Dadka dhintay 17 ka mid ah waxay ahaayen arday halka midka kalana uu ahaa macalin. Eedeysanaha falkaan gaystay waxaa da'diisa lagu sheegay 18 jir, kaas oo ku noolaa agagaarka magaalada Uvalde,magaciisuna waa Salvador Ramos sida la baahiyay. Wararku waxay sheegayaan inuu dhintay ninka toogashada gaystay waxaana loo malaynayaa inay toogteen boolisku. Ardeyda dhigata Iskuulka wax ka dhaceen waxay ahaayeen fasallada labaad, saddexaad, iyo afraad, taasoo la micno ah inay da'doodu u dhexaysay 7 ilaa 10 jirro. Wararka ka soo baxaya toogashadaan ka dhacday gobalka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in labo qof oo dhaawac soo gaaray ay haatan ku suganyihiin xaalad halis ah . Labadaan qof waa gabar 10 jir ah iyo haweeney 66 jir ah.Laba askari oo booliis ah ayaa iyaguna ku dhaawacmay weerarka. Guddoomiyaha gobolka Greg Abbott ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa Cecilia ay u baroordiiqayaan ""khasaare naxdin leh"" oo ka dhacay gobalkiisa isla markaana wuxuu ku booriyay mas'uuliyiinta gobolka Texas inay isu yimaadaan.Wuxuu ka mahadceliyay sida degdeg ah ee ciidamada amnigu uga jawaabeen falka lagu beegsaday carruurta dhiganaysay Iskuulka. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amar ku bixiyay in hoos loo dhigo calanka sababo la xiriira dhacadadaan lagu laayay carruurta yaryar." https://www.bbc.com/somali/war-61574283 +politics Milateriga Myanmar oo awoodda la wareegay "Milateriga Myanmar ayaa la wareegay awoodda dalkaas, kadib markii ay xabsiga u taxaabeen Aung San Suu Kyi oo uu xisbigeeda talada hayo iyo siyaasiyiin kale. Telefishinka milateriga ayaa sheegay in xaalad degdeg ah Myanmar lagu soo rogay muddo sanad ah. Afgembiga ayaa kus oo beegmaya kadib markii ay xukuumadda rayidka ah iyo taliska milateriga isku khilaafeen natiijada doorashadii sanadkii hore ka dhacday Myanmar. Xisbiga NLD ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi, ayaa doorashadii November ka helay kuraasta baarlamaanka in ku filan, si uu u soo dhiso xukuumad cusub, balse ciidamada ayaa sheegay in codeyntaas ay ahayd mid la musuqmaasuqay. Ciidanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u dhigto kalfadhiga baarlmaanka oo lagu waday in uu qabsoomo Isniinta maanta ah. Afhayeenka xisbiga NLD, Myo Nyunt, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefoonka ugu sheegay, in Suu Kyi, madaxweyne Win Myint iyo hogaamiyeyaal kale la qabtay, aroornimadii hore ee saaka. ""Waxaan rabaa in aan dadkeena u sheego in aysan falcelin degdeg ah sameyn, waxaana doonayaa in ay sharciga raacaan,"" ayuu yiri, isagoona intaa ku daray, in uu filayo in isagana la xiri doono. Weriyaha BBC-da uga soo warrama Koonfur Bari Aasiya, Jonathan Head, ayaa sheegaya, in askar lagu soo daadiyay wadooyinka caasimadda Naypyitaw, iyo magaalada weyn ee Yangon. Khadadka telefoonka iyo Internetka magaalada Naypyitaw ayaa go'an, sida uu ku soo warramayo weriyaha halkaas uga howlgala BBC-da laanteeda Burmese. Askarta ayaa sidoo kale tagay guryaha madaxda wasiirada ee gobollo dhowr ah, iyagoona kaxeystay, sidaas waxaa yiri xubnaha qoyska. Sabtidii, ciidamada qalabka sida ee Myanmar ayaa balanqaaday in ay u hogaansamayaan dastuurka, iyadoo uu jiray walaac laga qabo inay isku diyaarinayeen in ay afgembi sameeyaan. Waa Tuma Aung San Suu Kyi? Aung San Suu Kyi, waa gabadha uu dhalay geesiga xuriyadda dalka Myanmar,ee General Aung San. Waxaa la dilay iyadoo 2-sano jir ah, wax yar uun kahor markii ay Myanmar xuriyadda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska, sanadkii 1948. Ms Suu Kyi, ayaa mar loo arkayay in ay tahay tusaale u taagan xuquuqda aadanaha, waa qof u ololeysa mabda'a, taas oo ka tanaasushay xuriyaddeeda, si ay ula dagaalanto Jeneraalladii arxanka darnaa ee tobonnaanka sano xukumayay dalka Myanmar. Sanadkii 1991, ayaa la siiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel, xilligaasi oo ay xabsi guri ahayd, waxaana lagu sumtay awoodda dadka aan awooda lahayn. Ms Suu Kyi, ayaa ku dhawaad 15-sano xabsi ku qaadatay intii u dhaxeysay sanadkii 1989 iyo 2010. Bishii November, 2015, waxa ay hogaamiye ka noqotay xisbiga National League for Democracy (NLD), kaas oo ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee si furan loogu tartamo ee Myanmar ka dhacda mudoo ku siman 25-sano. Dastuurka Myanmar, ayaa ka mamnuucaya in ay madaxweyne ka noqoto dalkaas, maadaama ay heysato carruur uu ka dhalay nin ajinabi ah oo aan dalkaas u dhalan. Balse Ms Suu Kyi, oo hadda 75-sano jir ah ayaa dadku ay u arkaan in ay tahay hogaamiyaha saxda ah." https://www.bbc.com/somali/war-55882729 +health Wax ka ogow khatarta ku hoos jirta caado-wareerka "Kelly Pendry waxay dhowr sano la nooleyd kansar aan laga baarin. Haweeneydan, oo 42 jir ah, waxay calaamadaha cudurkan markii ugu horreysay isku aragtay sanadkii 2016. Waxay ahayd ""caado muddo dheer socotay oo dhiig culus la socdo"" iyo ""xanuun badan."" Balse sanadkii 2021 un bey ahayd markii ugu dambeyn laga helay uterine leiomyosarcoma, oo ah kansar dhif iyo naadir ah oo saameeya murqaha unugyada. Kelly ayaa haatan is weydiineysa in arrimuhu is beddeli lahaayeen haddii goor hore laga baari lahaa cudurka. Burooyin dhif ah Leiomyosarcoma waxay ka mid tahay koox burooyin ah oo caadi ahaan laga helo minka, caloosha, xiidmaha yar, xuddunta hoosteesa, amaba xiidmaha jilicsan. Waa kuwo aad u saameeya qof waase burooyin dhif ah. Dalka UK waxay saameeyaan ilaa 600 oo qof sanad walba. Kelly, oo heysata labo carruur ah, waxay sheegtay in markii ugu horreysay ee ay calaamadaheeda la wadaagtay dhaqtar, loo sheegay in jirkeeda ""uu qaadan doono waqti uu caadi ugu soo laabto [kaddib uurka]."" Haweeneydan ayaa sheegtay in lagula taliyay inay ka fekerto qaadashada kaniiniga kala fogeynta ilmaha amaba la geliyo qalab isla ujeeddaas loo isticmaalo. Mar kalena, waxay sheegtay, in loo qoray dawooyinka loo qaato qulubka ama isku buuqa. ""Waxaan dareemay inaan ka sii darayo,"" ayay tiri. ""Waxaan dareemay inaan la sii qabsanayo waxaana u maleeyay in keliya aan aniga iska dhaadhiciyay."" Balse xanuunka Kelly wuxuu ahaa mid daran. ""Waxaa jiray maalmo uu xanuunku labolaab igu noqonayay,"" ayuu yiri. ""Waxaan maalmo badan ku qaadanayay dhiig-bax. Si aanan sababta ogeyn ayaan u cayilayay. Caloosheydu aad iyo aad, ayay u bararsaneyd."" 'Sidee ugu dulqaadan kartaa?' Bishii April 2020, dhaqtar guud oo Kelly ku tilmaamay ""geesiyad,"" aayaa ku raacday in wax ay khaldanaayeen kaddib markii ay wax kuusan ka dareentay xuddunta Kelly hoosteeda. ""Markii ugu horreysay, qof ayaa wax ansixiyay,"" ayay tiri. ""Dhaqtarka ayaa yiri, 'Sidee u qaadan doontaa?' Waxaan iri, 'Ma qaadanayo.'"" Bishii November 2020, Kelly waxaa laga helay burooyinka loo yaqaan benign fibroids. Waxay u sheegeen in waxa ugu wanaagsan ay tahay minka oo laga saaro, balse xanuunka safmarka ah ayaa sababay in ballamaheeda isbitaalka marar badan la beddelo, qalliinkana weligeedba laguma sameyn. Bishii June 2021, Kelly waxay sheegtay inay maalin walba dhiig-baxaysay ayna ""u muuqatay inay leedahay uur sagaal bilood ah."" Xilliyadan ayay ahayd markii dhaqtar uu markii ugu horreysay ka dhawaajiyay suurto-galnimada ah inay qabto kansarka nooca sarcoma, balse burada lama baarin ilaa bishii November 2021 kaddib qalliin looga sameeyay sambabbada. Xaalku markuu halkaa marayay, Kelly waxaa loo sheegay in kansarkeeda uu marayay heerka afaraad oo aan wax laga qaban karin. ""Kalkaaliso ayaa ii sheegtay inaan isku diyaarin ciidda Christmas,"" ayay tiri. Kelly waxay sheegtay in dhaqtar ku takhasusay kansarka uu u sheegay in uu sameyn doono wax walba oo suurto-gal ah si uu u daweeyo kansarkeeda, inkastoo uu ahaa mid aan la daweyn karin. ""Wuxuu na weydiiyay waxa aan dooneyno waxaana u sheegnay inaan waqti rabno,"" ayay tiri. ""Awood"" chemotherapy ""Waxaan iri, 'Ma maleysan karo inaan ka warqabi doonin korriimada carruurta,' waxyaabaha yaryar sida lammaaneyaasheydii ugu horreeyay, saaxiibbadeyda gabdhaha ah, qalinjebinta."" ""Marxaladdaas, waxaan ku fekeray, xitaa ma arki doono haddii ay gaaraan 10 sano."" Lix daaweynta qaabka chemotherapy oo aad u adag ayaa ka caawiyay Kelly inay hesho waqti dheeri ah. Ku dhowaad sanad kaddib markii ay dhammaatay daaweynta, weli waxay dareemeysaa saameyn, sida daal, kuleyl iyo xanuun. Balse waxay sheegtay in xanuunkan aa marna lala barbardhigi karin kii ay hore u dareemeysay. Si kastaba, xaqiiqda ayaa ah in Kelly weli kansarkeedu uu yahay mid aan wax laga qaban karin. ""Muddo sanad ah xaalkeyga waa degganaa,"" ayay tiri, ""balse waan ognahay in tan ay isbeddeli karto, ayna si deg deg ah isku beddeli karto."" Kelly waxay dooneysaa in ilmo-galeenka laga saaro, balse waxay sheegtay in arrintaas aysan haatan suurtogal ahayn. ""Farriintu waxay u muuqataa: kansarkeyga waa marxaladda afaraad qalliinna looma adeegsado in nolosha lagu dheereeyo."" Seyga Kelly, Michael, ayaa haatan rajeynaya inuu ururiyo lacag dhan $60,000 oo qalliin loogu sameeyo Mareykanka. ""Halkaasi qalliinku waa daaweyn,"" ayuu yiri. Kelly ma dooneyso inay cambaareyso waaxda Caafimaadka Britain ee NHS. Balse waxay dareemeysaa in waddooyin kale laga heli karo dalalka kale." https://www.bbc.com/somali/articles/c0jlkgqg4kpo +politics Twitter iyo Trump: Shirkaddan oo markii ugu horreysay turxaan bixin ku sameyneyso qoraal uu Trump soo dhigay "Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo shirkadda Twitter kaddib markii ay sheegtay in qoraallada uu soo dhiga bartaas ay noqon karaan kuwo marin habaabin ah. Shirkadda waxay markii ugu horreysay qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sameyneyso turxaan bixin. Trump ayaa sheegay in codeynta doorashada dhanka boostada la dhici karo, waxna si sharci darro ah looga baddali karo isla markaana si sharci darro ah loo daabaci karo. Shirkadda waxay digniin ka bixisay qoraalkaas oo ay ku sheegtay inay u adeegsaneyso xeerka looga hortaggayo wararka been abuurka ah. Trump ayaa ku jawaabay in shirkadda ay ""gabi ahaanba caburineyso xoriyatul qowlka"". Twitter-ka wuxuu qoraalka Trump hoostiisa soo dhigay qoraal uu akhristayaasha ugu sheegayo inay ""eegaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan codeynta doorshada ee dhanka boostada."" Shirkadda waxay ballan qaaday inay sare u qaadi doonto digniinta ka dhanka wararka been abuurka ee la soo geliyay bartaas, balse waxay u muuqatay mid ka gaabisay in tallaabo ay ka qaado madaxweynaha Mareykanka. Waxay sidoo kale horraantii bishan dib u eegis ku sameysay xeerarka ay kaga hortageyso wararka marin habaabinta ah. Sida ku xusan qoraallada cusub ee uu soo dhigay Twitter-ka, Trump wuxuu ku eedeeyay shirkadda in ay faragelineyso doorashada Mareykanka ka dhaceyso 3 bisha Nofeembar ee sannadkan. Wuxuu yiri: ""Haddii aan ahay madaxweyne ma aqbalayo in arrintaas ay dhacdo"". Dhanka kale, madaxa ololaha doorashada u qaabilsan Trump ayaa dhaleeceeyay shirkadda Twitter-ka ku tilmaamay ""wado eexasho siyaasadeed"" in ay tahay. Weriyaha BBC-da ee Teknooloojiyadda ayaa kusoo warrameysa in madaxweyne Trump uu barta Twitter-ka u adeegsado in uu dagaal siyaasadeed kula galo siyaasiyiinta mucaaradka iyo dadka caanka ah ee ka soo horjeeda. Haddana wuxuu u muuqdaa in uu dagaal la galay shirkadda." https://www.bbc.com/somali/war-52817618 +sports "Zidane: ""Xirfadyahan ahaan waa mid ka mid maalmihii iigu fiicnaa""" "Zinedine Zidane ayaa sheegay in ku guuleysiga horyaalkii ugu horreeyay 'La Liga' ee uu la qaaday Real Madrid muddo seddex sano ah, uu uga farxad badan yahay ku guulaysiga Horyaalka Yurub ee Champions League. Real ayaa ku guuleysatay horyaakani iyada oo ciyaar u harsan tahay kaddib markii ay Villarreal kaga soo badisay garoonkeeda Alfredo Di Stefano. Karim Benzema ayaa laba gool oo midi rikoodhe yahay ku hoggaamiyey kooxdiisa, halka Villarreal ay hal gool keliya dhalisay. Kooxdan uu hoggaamiyo macallin Zidane ayaa ku guuleysatay dhammaan 10kii kulan ee ay ciyaareen tan iyo markii kubada cagta Spain dib loo bilaabay bishii June. Waxayna ku aaddan yihiin ciyaartii u danbeysay ee horyaalka xilli iyaga oo toddoba dhibcood oo nadiifa ka horreeya kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona, oo iyadu kaalinta labaad ku jirta. ""Tani wax walba way ka wanaagsan tahay. Waxay nagu qaadatay dedaal badan inaan ku guulaysanno La Liga"" ayuu yidhi macallinka Real Madrid. ""Kaddib 38 ciyaarood, waxaannu haysannaa dhibco ka badan qof kasta. Kaddib bandawgii iyo wax kasta oo dhacay. Tani waa arrin farxad leh"" ayuu ku sii daray hadalkiisa. Garoon albaabbadu u xidhan yihiin oo qaada 6,000 kursi oo ah xerada tababarka, ayaa laga yaabaa inaysan Real aysan macno weyn u samayn inay ku dhex hantaan horyaalkoodii ugu horreysay tan iyo 2017. Maddaama uu dayactir ku socdo garoonkii weynaa ee kooxda. Laakiin taasi kama hor istaagin in kooxda Zidane ay si weyn ula dabbaal degaan guushan ay gaadheen. ""Maanta waa mid ka mid ah maalmihii iigu fiicnaa aniga oo ah xirfadle ah. Ka dib wax walba oo dhacay, seddexdii bilood ee nasashada, waa wax cajiib ah guusha aannu gaadhnay."" ayuu idhi Zidane Horyaalka La Liga ayaa ku yaraa, marka loo eego halkii ay kaga jiraan guulaha Champions League ee Real ay gaadhay 10kii sano ee lasoo dhaafay, waana markii seddexaad oo kaliya sagaalkii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay ee ay qaadeen koobkan. Zinedine Zidane ayaa sanad iyo badhkii ugu horreeyay ee uu tababaraha u ahaa kooxdaasi Real Madrid, waxa uu la qaaday horyaalka La Liga, koobka Horyaallada Yurub, waxaana uu gaaray fiinaal kale oo Horyaalllada Yurub ah. Gabagabadii, guuldarradii Barcelona ee Osasuna gaadhsiisay ayaa guushan ka dhigtay mid yar oo raaxo badan. Hadafka Zidane ayaa hadda u weecan doona dhanka kooxda ay isku hayaan Champions League ee Manchester City. Kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa u safreysa Etihad Stadium 7da Ogosto iyagoo lugta hore kaga sii adkaaday 2-1 ""Champions League waa Champions League laakiin La Liga ayaa iga dhigeya mid farxad badan, sababtoo ah La Liga waa halka aannu wax ku nahay"" ayuu yidhi Zidane. ""Tani waa dareen weyn maxaa yeelay waxa ay ciyaartoydani waxay sameeyeen wax cajiiba. Dareenkayga ayaa kacsan oo dhab ahaantii ereyo aan ku qeexo ma garanayo"" Ra'isal wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ayaa bilawgii bishii Juun sheegay in tartanka horyaalka kubadda cagta La Liga ee dalkaasi dib u furmi doono laga bilaabo 8 Juun hase yeeshee aan taageerayaasha loo ogolaan doonin in ay garoonnada tagaan, kaddib muddo uu u hakisnaa faafitaanka Coronavirus. Real Madrid, ayaa horyaalkani uga dhigan yahay koodii 34aad, iyagoo ka sarreeya siddeed horyaal kooxda Barcelona." https://www.bbc.com/somali/war-53438892 +health Shan faa'ido oo cajiib ah oo laga helo cuntooyinka kasoo go'a dhirta Cuntooyinka kasoo go'a dhirta waxaa laga helaa faa'iidooyin caafimaad maadama ay ku jiraan nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh jirkeena. Cuntooyinka dhirta kasoo go'a sida khudaarta waxaa hodan ku ah maadooyin isugu jira, folate, fiitamiin C iyo E iyo macdanta potassium iyo magnesium.\nDadka aan cunin hilibka waxaa caafimaad ahaan u wanaagsan inay qaataan khudradda iyo miraha kala duwan.\n\nWaxaan halkan idiin kuugu soo gudibeynaa shan faa'ido oo laga helo cuntooyinka kasoo go'a dhirta: Waxay ka caawineysaa in qofka uu dhimo miisaankiisa Daraasado la sameeyay ayaa muujinayaa in dadka badsada cuntooyinka kasoo go'a dhirta uu isbaddal ku yimid miisaankooda, tusaale ahaan, cilmibaaris lagu sameeyay muddo 18 toddobaad gudahood ayaa muujineysaa in dad khudradda badsaday oo lagu wareystay daraasadda uu miisaankooda hoos u dhacay in ka badan 4.2 kiilo. Markaa, cuntooyinkan waxaa ku yar dufanka, qofka wax welwel ah kama qabayo in uu iska yareeyo cuntooyinka dufanta leh iyo kuwa ay ku badan yihiin maadada Calories. Caafimaadka wadnaha ayay xoojiyaan Cunidda cuntooyinka kasoo go'a dhirta ah sida miraha oo dhan, digirta iyo khudaarta waxaa la xiriiriyay inay hoos u dhigaan halista ku aaddan cudurrada wadnaha gaar ahaan istaroogga. Waxay isku dheelitiraan heerka sokorta jirka Qaadashada cuntooyinka dhirta kasoo go'a waxay u fiican yihiin dadka qaba xanuunada macaanka.\nCuntooyinkan waxay yareeyaan halista ah inay dadka uu ku dhaco nooca 2-aad ee cudurka macaanka.\nSida haruurka wuxuu qofka ka caawinayaa inuu dejiyo heerka sokorta dhiigga sababta oo ah waxay caawiyaan dheefshiidka.\nHaddii aad rabto in uu isku dheelitirnaado heerka sonkorta ee dhiiggaaga , waa in aad badsataa haruurka. Waxay yareeyaan halista in qofka uu ku dhaco kansarka Cuntooyinka dhirta kasoo go'a sida digirta, miraha iyo khudradda ayaa la sheegay inay hoos u dhigaan halista in qofka uu ku dhaco kansarka, waxayna dhakhaatiirta dadka ay kula taliyaan inay iska yareeyaan cuntooyinka gasacadeysan. Waxay faa'ido u leeyihiin mindhicirada Habka dheefshiidka wuxuu ku xiran yahay n noolaha (bakteeriyada, iyo fayrasyada) ee ku nool dheef-shiidka.\nCilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in qofka wax ka baddalo cuntooyinka uu cuno uu si dhakhso uu isbaddal ugu imaan karo caafimaad ahaan dheefshiidkiisa, markaa cuntooyinka waxay u wanaagsan yihiin dheefshiidka iyo caafimaadka mindhicirada. https://www.bbc.com/somali/articles/c290x44zn9lo +entertainment Tom Cruise oo baabuurkiisii lagaga xaday Ingiriiska oo uu filim ku metalayey "Baabuur uu leeyahay xiddiga Hollywood ee Tom Cruise oo noociisu yahay BBW ayaa laga xaday isaga oo duubaya filim uu matalayo, waxaanay arintaasi ka dhacday magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska. Atooraha ayaa magaaladan ku metelayey qaybtii todobaad ee filimka ""Missison Impossible"" .Jilaa caan ah oo dhintay isagoo filim jilaya Putin oo Washington u direy ergey Maraykanka u dhashay Wargeyska The Sun ayaa sheegay in ""baabuurkaas oo uu leeyahay Tom Cruise laga xaday hudheelka uu deganyahay ee Grand dhexdiisa isla marnkaana ay saarnayd alaab qiimaheeda lagu qiyaasay kumanaan Giniga Sterling-ka ah"". Hase yeeshee booliska West Midlands ayaa sheegay in baabuurkaas oo noociisu yahay BMW X7 laga xaday wadada Churches Street maalintii Salaasadii laakiin muddo kooban ka dib ay boolisku soo heleen. Waxa laga helay baabuurka magaalo u dhaw tii laga xaday waxaana haatan socda baadhitaan oo waxay boolisku eegayaan kamaradaha wadada ku xidhnaa muuqaaladii ay duubeen. Qaybo dhan oo ka mid ah suuqa weyn ee Grand Central ee ku yaal magaalada Birmingham ayaa Axaddii ilaa Arbacadii loo xidhay in filimkaa lagu duubo. Atariishooyin caan ah oo loo heysto arrin ku saabsan dhimashada atoore Atoore ka tirsan Bollywood-ka oo sheegay inuu 'Alle isu dhiibay' Dhanka kale dad badan oo jecel atoorahaas ayaa aad uga hadlay sida ay ugu farxeen in ay arkaan xidigaas filimada metela. Mar uu tagay makhaayad cuntada dhaqanka Hindida lagu sameeyo ayuu halkaa kula kulmay laba askari oo ka tirsan booliska taraafigga. Labadaa askari ayaa iyaguna sawir ay la galeen atooraha ku baahiyey baraha bulshada iyaga oo yidhi ""waa xaqiiq oo sawirkani maama mid kombuyuutar lagu sameeyey ee waa qudhiisii"". Waxa kale oo dadka nasiibka u helay in ay sawir la galaan xiddigaa ka mid ah duqa magaalada Birmingham, Maxamed Afdal oo sawir la galay atooraha iyo gabadha filimka la metelaysa. Afdal ayaa yidhi ""booqasho la yaable ayey ahayd iyo fursad aan u helay inaan daawado filim metelaadiisa la duubayo"". Waxaanu intaa ku daray ""waan sugi kari laayahay in aan filimkaa daawado kolka la dhamays tiro ee la soo saaro""." https://www.bbc.com/somali/58376831 +entertainment Salman Khan markii uu aflaanta ku soo biiray 32 sano ka hor Salman Khan, oo shaleemooyinka Hindiya looga yaqaanno Suldaan, ayey dhawaan u u buuxsantay 32 sano oo uu jilayay filimada shirkadda Bollywood. Filimkii ugu horreeyay ee uu jilay Salman Khan, oo lagu magacaabo Biwi Ho To Aisi, wuxuu soo baxay 22-kii bishii August ee sanadkii 1988-kii.Salman wuxuu filimkan ka ahaa atooraha labaad. Rekha iyo Farukh Sheikh ayaa kaalimaha ugu muhiimsan ka lahaa filimka Biwi Ho To Aisi. Halkan waxaa kusoo bandhigeynaa qaar ka mid asawirrada Salman Khan, oo waagaas caato ahaa, kuwaasoo uu taageerayaasha kula wadaagay baraha bulshada. Sawirradan oo dadka intooda badan aysan arkin waxay Salman Khan u muujinayaan si aad uga duwan sida uu maanta yahay. Salman Khan aabihiis wuxuu ahaan jiray qoraa si weyn loo yaqaanno. Waxaa jilaagan maanta loo yaqaannaa inuu yahay qofka gacanta ku haya guud ahaan shirkadda Bollywood, oo qofkuu rabo u fasixi kara, qofkuu rabana u diidi kara. Sidoo kale wuxuu leeyahay taageerayaal aad u badan oo ku taxan bogaggiisa baraha bulshada. Salman waxa uu aad u jeclaan jiray farshaxanka loo adeegsado rinjiga. Waxaa jira farshaxanno badan oo uu ku xardhay guriga saaxiibkiis Aamir Khan. Wuxuu farshaxanka ka bartay hooyadiis, Salma, oo farshaxamiiste ahayd. Waxaa la sheegaa in Salman Khan uusan waligiis dib u eegin muuqaallada uu jilo marka la saxayo. Marka uu duubo qeyb ka mid ah filimka, wuxuu usii gudbaa qeybta xigta, halka hagaha iyo soo saareyaasha ay dib u hubinayaan waxa uu markaas duubay. Wuxuu atoorahan Bollywood ku sameeyay filimo aad u badan oo si weyn looga daba dhacay. Filimadiisa ugu caansanna waxaa ka mid ah: Sultan, Tiger Zinda Hai, Ready, musalsalka Dabangg, Hum Aapke Hain Kaun, Bodyguard, Kick, Wanted, Tere Naam. Salman wuxuu sidoo kale sameeyay Bigg Boss. Magaciisa saxda ah waa Abdul Rashid Salim Salman Khan. Wuxuu magaalada Indore, ee dalka Hindiya ku dhashay 27-kii bishii December ee sanadkii 1965-kii. Hadda da'diisu waa 54 sano. Waxaa hantida ama lacagtiisa Salman lagu qiyaasaa $260 milyan oo doolar. In ka badan 30 sano oo uu xirfaddan kusoo dhex jiray wuxuu ku muteystay abaalmarinno farabadan, oo ay ku jiraan labo National Film - oo uu ku muteystay dhinaca soo saarista filimada iyo waliba labo Filmfare - oo lagu siiyay xirfadda jilitaanka. https://www.bbc.com/somali/war-53921250 +sports Messi ma ku biirayaa Liverpool? "Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Liverpool, Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisu ay daneyneyso iibsashada xiddigga Barcelona, Lionel Messi, laakiin wuxuu qiray in uu ""ku fiicnaan lahaa"" inuu kusoo biiro horyaalka Premier League-ga. Mustaqbalka Messi waxaa hareeyay hadalheyn badan oo ku aaddan halka uu aadi doono, tan iyo markii uu codsaday inuu ka tago kooxdiisa Barca, balse macalin Klopp wuxuu sheegay in isagu uusan wax fursad ah u heynin weeraryahankan. Mar la weydiiyay inuu daneynayo lasoo wareegitaankan 33 jirkan ayuu Klopp yidhi: ""Ma jirtaa koox aan rabin inuu Messi ka mid noqdo? ""Innaga xageenna uma soo socdo, laakiin waa ciyaartoy aad u wanaagsan runtii."" Messi ayaa lala xidhiidhinayaa inuu dib ula midoobi doono tababarihii hore ee Barca, Pep Guardiola, oo hadda leyliya kooxda Manchester City. Macallin Klop ayaa qaba in haddii ay taasi dhacdo ay kooxda kasoo horjeedda ka awood badnaan doonto sidii ay horay u ahayd, ""sahalna aysan noqon doonin in laga guuleysto"". City ayaa ahayd kooxdii ugu soo dhaweyd Liverpool, oo sanadkan qaadday horyaalka. ""Waligiis kama uusan ciyaarin horyaal aan ahayn midka Spain. Kubadda halkan laga ciyaaro waa mid ka duwan taas. Waan jeclaan lahaa inaan arki laakiin ma hubo inay taas suuragal noqon doonto,"" ayuu yidhi Klopp. Liverpool ayaa hadda wadda diyaargarowga ay ugu jirto kulan ay koobka Community Shield kula loollami doonto kooxda Arsenal, oo soo qaadday koobka FA-ga. Niyad jab weyn oo ka muuqday Messi ayaa soo shaac baxay kaddib markii kooxdiisa Barca ay guuldarro 8-2 ah kala kulantay kooxda Bayern Munchen, oo ay isku arkeen rubuc dhammaadkii horyaalka Yurub ee Champions League, 16-kii bishan August. Hase yeeshee ciyaartoygan ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay shakhsiyaadkii ugu xirfadda wanaagsanaa ee abid soo maray taariikhda kubadda cagta adduunka. Waxa uu Baarceloona ku soo biiray isagoo 13 sanno jir ah sannadkii 2000, xilligaasi oo uu ka soo wareegay naadiga Newell's Old Boys ee dalkiisa Argentina. Tan iyo markaasi waxa uu dhaliyay 637 gool, 731 ciyaarood oo uu saftay Barca. Waxa uu kooxda kula guuleystay 34 koob oo waaweyn oo ay kamid ahaayeen 10 horyaalka Spain ee La Liga iyo 4 koob Champions League ah." https://www.bbc.com/somali/war-53950943 +politics "Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya: ""Wax aan cunno ma helin tan iyo markii uu soo baxay go'aankii joojinta jaadka""" "Dowladda Kenya ayaa shalay hakisay diyaaradaha ka yimaada ama aada Soomaaliya ee ka bixi jiray Nairobi. Ma aysan caddeynin sababta, balse waxaa ka sii horeysay Soomaaliya oo soo ""celisay diyaarado khaat siday"". Arrimahan waxay ku soo aadee maalmo uun ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay soo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya ee kala go'ay dhammaadkii sannadkii hore ee 2020. Xiisadda diblomasiyadeed ee u dhaxeysa labada dal ayaa saameyn ba'an ku yeelatay ganacsiga khaadka ee Kenya, waxayna beeraleyda jaadka iyo ganacsataduba sheegeen in ay ceyrtoobeen ka dib markii dowladda Soomaaliya ay horraantii sannadkan joojisay jaadka uga yimaada Kenya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojinta jaadka sababta uga dhigtay cudurka Corona, haseyeeshee haatan waxaa lagu soo warramayaa in midka Itoobiya uu ka dego magaalooyin dhowr ah oo gudaha dalka ah. Qaar ka mid ah beeraleyda jaadka oo noolal ahaan ku tiirsanaa jaadka waxay sheegeen in hadda beeraha aysan laheyn nacfigii ay waagii hore u lahaayeen. Dadka leh beeraha jaadka, waxaa ka mid ah haweeney lagu magacaabo Marry Ntonja oo ah hooyo 49 sano jir ah, waxay sheegtay in markii dowladda Soomaaliya ay joojisay ay waayeen wax ay cunaan. Lix sano kahor dowladda Britain ayaa joojisay in jaadka loo dhoofiyo dalkaas, waxaana taas ay keentay in uu u soo haro suuqa Soomaaliya oo keliya, balse bishii Maarso ee sannadkan, dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale joojisay in jaadka Kenya loo dhoofiyo dalkeeda, si la mid ah kumannaanka kale ee beeraleyda jaadka ah, Marry waxay ka walwalsan tahay waxa ay ku noolaan doonaan mustaqbalka. ""Dhibaato noolaleed ayaa inagu dhacday, fuqaro ayaanu noqonay lacag la'aan darted, in aan wax cunno waa nagu dhib, dharkii way naga dhammaadeen, caruurta wax aan siino ma heyno, dhibaato ayaa inagu habsatay tan iyo markii la mamnuucay dhoofinta jaadka, saddexii bil-ba mar ayaanu jaadka soo goynaa, waxaan ka heli jirnay kun ilaa iyo shan kun oo doollar; lacagtaas ayaan ku nooleyn, hadda hal doollarna iga ma soo galo jaadka"", ayay tiri Marry oo la hadleysay BBC-da. Jaadka ka baxa deegaanka Maua ee hoostaga maamul goboleedka Meru, waxaa halkaas looga yaqaanaa dahabka cagaaran, waana isha dhaqaale ee deegaanka Meru ee bariga Kenya. Ururka ganacsatada jaadka ee Kenya waxay sheegeen in maalintiiba ay Soomaaliya u dhoofin jireen 50 tan oo jaad ah, waxayna ka heli jireen lacag ka badan 140 kun oo dollar, balse hadda oo aanay taas jirin. Waxaa jiro jaad yar oo lagu iibiyo gudaha Kenya, halka inta kalena ay qubaan. Weriyaha BBC-da, Bashiir Maxamed Caato oo booqday deegaanka uu jaadka ka baxo ayaa sheegay in bakhaaradii lagu diyaarin jiray jaadkii Soomaaliya loo dhoofin jiray ayaa hadda cidlo ah, waxaana ku sugan dad yar oo fajac iyo amakaak uu ka muuqdo. Marka laga soo tago un beeraha khaadka ay leeyihiin dadka deegaanka, waxaa kaloo jira ganacsato Soomaali ah oo dadka beeraleyda ah ka soo iibsada jaadka, kuwaas oo geeya Soomaaliya iyo gobolka waqooyi bari ee Kenya. Waxay sheegeen in dhaqaale xumi baahsan ay dareemeen markii uu xirmay suuqa jaadka ee Soomaaliya. ""Gawaaridii jaadka lagu qaadi jiray waa shaqo la'aan, go'aanka dowladda Soomaaliya wuu ina saameeyay,"" ayuu yiri Maxamed Qureesh oo ka mid ah ganacsatada Jaadka Soomaaliya. ""Dadka qaar ganacsi kale ayay sameysteen. Soomaali badan ayaa ka guuray deegaanka Meru, kuwa kalena halkan ayay ku tabaaleysan yihiin oo wax shaqo ah ma heystaan. Aniga kula hadlaya dad badan ayaa ii shaqeyn jiray balse hadda waa shaqo la'aan"", ayuu yiri Maxamed. Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in jaadka ay ku tiirsanaayeen oo uu shaqo abuur u ahaa dad lagu qiyaasay boqol kun oo qof, kuwaas oo ay ka mid yihiin dadka leh beeraha jaadka, kuwa ka soo iibsada, kuwa jawaanada ku gura iyo gaadiidka isugu jira diyaarado iyo baabuur ee u kala safri jiray gudaha Kenya iyo Soomaaliya. Xiisadda diblomasiyadeed ee labada dhinac ma ahan mid sidaa u sahlan in la xalliyo. Dowladda Federaalka waxay Kenya ku eedeysay in aanay u hagar bixin dhanka diblomaasiyada iyo ganacsigaba, waxayna shuruudo hor dhigtay dib u fasixidda jaadka. Muqdisho ayaa dooneysay in Kenya ay joojiso faragelin ay sheegtay in ay ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, balse eedeymahaas waxaa beeniyay Kenya. Barasaabka deegaanka Jaadka uu ka baxo ee Meru, Kiraitu Murungi, wuxuu sheegay in uu rajo weyn ka qabo in isbedel uu imaan doono. ""Waxaa jira heshiis horudhac ah oo ay gaareen Kenya iyo Soomaaliya, kaas oo la xiriira ganacsi dhinacya badan leh, jaadkuna wuu mid ka mid yahay. Waxay ila tahay in dowladda dhexe ay sameeneyso waxwalba oo karaankeeda ah, waxaana ku rajo fiican ka qabaa in arrintan la soo afjari doonaa,"" Ayuu yiri Kiraitu Murungi. Balse toddobaad kahor, Soomaaliya waxay u yeeratay safirkii u fadhiyay Nairobi, taas oo sii hurisay khilaafka diblumasiyadeed ee labada dhinac u dhexeeya. Inta ay labada dal ka heshiinayaan, waxaa mustaqbal aan la hubin iyo dhibaato dhaqaale wajahaya beeraleyda iyo ganacsatada jaadka Kenya." https://www.bbc.com/somali/war-55210014 +technology Hindiya: Ninka muslimka ah ee sida la yaabka leh u badbaadiyay gabadh "Maxamed Maxbuub oo 37 jir ah, ku nool Bhopal, caasimadda Madhya Pradesh ee dalka Hindiya isla markaana ah fuundi haatana ka shaqeeya dukaan ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn looga hadal hayay dalkaas, noloshiisa ayaa is baddashay, hadda si weyn ayaa looga xushmeeya dalkaas, dadweyne fara badan ayaa gurigiisa kusii qulqalaya kuwaas oo u hambalyeynayo kadib markii uu qaaday tallaabo si weyn loo amaanay. Maxamed wuxuu badbaadiyay nolosha gabadh ku rakatay jidka tareenka, waxay ka gudbeysay waddada xilli uu sii dhaqaaqayay tareen xamuul ahaa. Inantii ayaa ku qeylisay in la caawiyo , Maxbuub oo meesha ka ag dhawaa ayaa isla markiiba tareenkii hoos galay oo gacanta ku dhigay gabadhii, kadibna la leexiyay lugihii tareenka, kuna aaddiyay qeybta candhada tareenka ee aanan dhulka taaban, halkaas oo ay labadoodaba ku jireen intii uu tareenka dhaafayay.. Maxamed wuxuu yiri, ""Ilaahay baa fududeeyay howshan, markii ay gabadha caawimaad i waydiisatay, waxa aan u jiray ilaa 30 tallaabo, wakhtigaas waxaa gabadha daawanayay ilaa 30-40 qof, laakiin waxaan dareemay in gabadha u baahantahay in loo gurmado, waxaan ku khasbanadaay in aan sameeyo, waana caawiyay"" Waxay arrintani dhacday 5-tii bishii Febraayo balse wuxuu u sheegay dad aad u tiro yar, mana dooneyn in uu dad la wadaago. Waxaa laga yaabaa in dadku aysan xitaa ogaan lahayn geesinnimadiisa waa haddii uusan baahin muuqaalka muujinaya isaga oo badbaaniyay gabadha. Qof ka mid ah dadkii goobta isugu yimid ayaa muuqaal ka duubay Maxamed oo badbaadinayo gabadha, muuqaalka ayaa si weyn u baahay 11-kii bishan Febraayo. Wixii markaas ka dambeeyay Maxbuub waxa uu noqday mawduuc ay ka hadlaan dadka ku nool magaalada Bhopal. Inkastoo Maxbuub uusan wax badan ka ogeyn gabadhaas. Markii uu badbaadiyay kadib, inantii iyada oo ooyaysa ayay meesha ka tagtay. Maxbuub oo ah aabbe dhalay gabadh 3 jir ah ayaa muuqaalka la wadaagay xaaskiisa iyo waalidkiisa waxay ogaadeen in shaqo weyn uu qabtay. Xaaska Maxbuub Ruxi Ansari waxay tiri ""Diintayada ayaa ina fareysaa in dadka aan u gargaarno."" Maxbuub oo dib u xasuusanaya dhacdadii maalintaas ayaa yiri, ""markii aan gabadha badbaadinayay , waxaan qabtay gabadha madaxeeda, sababtuna waxay ahayd in ay isku dayday in ay madaxa kor u qaaddo iyada oo argagaxsan"" Maxbuub ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu u gurmaday gabar dhibaateysan. Waxay arrintani dhacday mar uu Maxbuub ka soo laabtay masjidka kadib markii uu soo tukaday salaadii cishaha xilli soo gaaray meel u dhow albaabka Barkhedi ee magaalada. Maxbuuub wuxuu ka fikirayay sidii uu gabadha madaxeeda uusan ugu dhicin tareenka, waxaana gabadhan lagu magacaaba Sneha Gaur, waxay dhanka suuqgeynta u qaabilsaneyd macad gaar loo leeyahay oo ku yaalla Bhopal. Gabadhan oo aan weli la kulmin Maxbuub , waxay sheegtay in uu badbaadiyay nolosheeda. Maxbuub, xilliggaas ma uusan laheyn teleefoonka gacanta, hay'adaha maxalliga ee ka howlgala magaalada ayaa bogaadiyay tallaabada uu qaaday Maxbuub, Shuceyb Hashmi oo ka shaqeeya hay'ad lagu magacaabo BBM ayaa Maxbuub abaal marin u siiyay teleefoonka gacanta. 'Jihaadka Jaceylka' Kalgaceylkeena waa mid dhab ah Gabadh Muslim ah oo la qiirootay hadiyad la siiyay Haweneeydii ugu horeeysay oo muslim ah oo ku biiratay aqalka senate-ka ee dalka Australia Shucey Hashmi waxa uu yiri, ""Maxamed Maxbuub waxa ay ahayd in la abaal mariyo, waxa uu badbaadiyay nafta qof kale isaga oo noloshiisa halis geliyay, inkasta oo isaga laftiisu aanu doonayn in uu cidna u sheego dhacdadaas oo markii la ogaaday kadib muuqaalka baahay"" Waxaa sidoo kale tallaabada geesinimada leh ee Maxbuub bogaadiyay saraakiisha booliska ee degmada." https://www.bbc.com/somali/war-60390450 +sports 'Waan aqaannaa baahi': Ciyaartoga faqriga soo maray ee u istaagay carruurta "Weeraryahanka kooxda Manchester United, Marcus Rashford, hadda wuxuu isbuucii qaataa lacag dhan $250,000, laakiin wuxuu kusoo koray faqri wuxuuna noqday qof u ololeeya la dagaallanka saboolnimada. Dhawaan wuxuu dhaliyay gool yimid daqiiqaddii 87 oo uu shabaqa ku taabsiiyay ciyaar ka tirsaneyd tartanka Champions League-ga, laakiin islamarkiiba Rashford maskaxdiisa waxay ku mashquulsaneyd wax aad uga duwan kubadda cagta. Kaddib markii uu u dabaal dagay ciyaartii ay kooxdiisa 2-1 uga guuleysatay kooxda Paris Saint-Germain, 22 jirka weerarka uga ciyaara Manchester United wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray hadallo ku saabsanaa siyaasadda. Markii hore sawirro ku saabsan goolkiisii guusha ayuu soo dhigay Twitter-ka, laakiin durbadiiba wuxuu soo qoray: ""Haddii aad wax ii sameyneysid caawa ii saxiix ololaha,"" isagoo markaas ula jeeday ololihiisa ku aaddan sidii cunto bilaash ah loo siin lahaa carruurta iskuullada dhigata. In ka badan 1 milyan oo ruux ayaa ololahaas saxiixay, waxayna taasi u sahleysaa ciyaartoygan inuu dowladda ka dhaadhiciyo ujeeddadiisa. Waddanka uu ku dhashay ee UK waa dalka lixaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka, laakiin sidaasoo ay tahay waxaa ku nool 4.2 milyan oo carruur sabool ah - taasoo ka dhigan in waalidiintooda aysan awoodin inay siiyaan raashin ku filan, dhar iyo hoy - sida lagu xusay tirakood rasmi ah oo ay dowladdu sameysay.. Tiradaas waxay muujineysaa in 30% carruurta ku sugan UK ay baahan yihiin, waxaana laga yaabaa inay sii bataan oo hal milyan oo kale ay kusii darsanto ilaa sanadka 2022-ka. Saboolnimada waxay aad u saameysaa carruurta kasoo jeedda qoysaska bulshooyinka laga tirada badan yahay iyo kuwa hal waalid kaliya uu koriyo. Markii uu yaraa ciyaartoyga Manchester United, Marcos Rashford, labadaas arrimoodba way isugu darsameen. Inkastoo maanta uu ciyaartoygan taajir yahay, haddana wuxuu kusoo koray faqriga magaalada Manchester, wuxuuna ka mid yahay shan carruur ah oo ay soo korisay hooyadood Melanie kaligeed. ""Waan garanayaa baahi waxa ay tahay,"" ayuu yiri mar uu BBC-da la hadlayay horaantii sannadkan. Wuxuu in muddo ahba waday sidii uu uga hortagi lahaa in carruur kale ay soo maraan noloshii ay qoyskiisa soo mareen iyo sinnaan la'aanta. Rahsford iyo walaalihiis waxaa waxbarashada looga bixiyay lacago ay bulshada iska aruuriyeen. Marcus wuxuu dhigtay iskuul hoose dhexe oo ku yaalla magaalada Manchester, halkaasoo 28.1% ka mid ah carruurta wax ka barata ay cunto bilaash ah helayeen guud ahaan sanadkii 2019-kii, sidii uu isagaba uga heli jiray. Hooyadiis, oo shaqadeeda ay ahaan jirtay maqal-haye, waxa culeys badan kala soo kulantay korriimadooda. Laakiin xirfadda uu wiilkeeda yeeshay ayaa noloshooda sare u qaadday ugu dambeyn. Waxay maamulka kooxda Manchester United ka dhaadhicisay inay aqbalaan in wiilkeeda uu ku biiro carruurta loo tababaro kooxdaas, isagoo markaas ay da'diisu ahayd 11 sano. Waa laga oggolaaday codsigeeda, inkastoo markaas da'da ugu yar ee la qaadanayay ay ahayd 12 sano jir. Arrintaas waxay Rashford u sahashay inuu helo hoy u dhow xarunta tababarka. Intaas wixii ka dambeeyay waa taariikhdiisa dhinaca kubadda cagta ee heerka sare gaadhay, taasoo gabi ahaanba hilmaansiisay noloshii adkeyd. Waddanka England, qiyaastii 1.3 milyan oo carruur ah ayaa helayay cunto bilaash ah oo lagu siinayay iskuullada sanadkii 2019-kii. Tiradaas waa 15% ka mid ah carruurta dhiga dugsiyada dowladda. Balse bishii June ee sanadkan, xilli uu heer aad u sarreeya gaadhay cudurka Covid-19, saameyn ba'anna ku yeeshay dhaqaalaha, Ra'iisul Wasaare Boris Johnson wuxuu ku dhawaaqay in dowladdu aysan cunto bilaash ah siin doonin qoysaska saboolka ah xilliga xagaaga ee fasaxa lagu jiro. Olole uu horkacayay weeraryahanka Manchester United oo laga sameeyay baraha bulshada ayaa dowladda ku khasbay inay go'aankaas ka noqoto. Rashford waxaa arrintaas lagu guddoonsiiyay abaalmarinta MBE oo uu ku muteystay sida uu u garab sitaagay carruurta baahan. Hase yeeshee 21-kii bishii October, baarlamaanka UK, oo uu aqlabiyad ku leeyahay xisbiga talada haya ee Conservative-ka ayaa cod ku diiday qorshe lagu doonayay in barnaamijka raashinka bilaashka ah ee carruurta waqtigiisa la kordhiyo ilaa bartamaha sanadka 2021-ka. Hal isbuuc ka hor, dowladdu waxay sheegtay in Iskuullada aysan ku khasbaneyn inay carruurta raashin siiyaan waqtiga lagu guda jiro fasaxa. Rashford wuxuu tallaabadaas uga fal celiyay canbaareyn adag oo uu u jeediyay. ""Turi badan oo carruur ah ayaa caawa seexanaya iyagoo baahan oo waliba dareemaya inaysan waxba ahayn kaddib hadalladii maanta la jeediyay,"" ayuu Rashford kusoo qoray bartiisa Twitter-ka oo ay ku taxan yihiin 3.5 milyan oo ruux. Hase yeeshee, go'aankii kasoo baxay baarlamaanka waxaa daba socday dhawaaq kasoo yeeray golaha wakiillada deegaanka, makhaayadaha iyo dhammaan meheradaha cuntada ee waddanka oo sheegay inay raashin bilaash ah ugu deeqayaan carrurta nugul. Bishii September, Rashford wuxuu suuqyada waaweyn ee waddanka ku hoggaamiyay olole dowladda looga codsanayay inay kordhiso dhaqaalaha ay ku bixiso howlaha la dagaallanka saboolnimada iyo raashinka la siiyo carruurta UK. Sidoo kale wuxuu abaabulay dhaqaale aruurin shirkado ka qeyb qaateen oo carruurta iskuullada loogu helay $25 milyan oo doolar. Howshiisa dhinaca kubadda cagta ee xilli ciyaareedka 2020-21 wax saameyn ah kuma aysan yeelanin waxyaabaha kale ee uu ku mashquulsan yahay. Ilaa hadda waxaa lagu ammaanayaa in heerkiisa ciyaareed uu sare u sii kacay, rajo fiicanna laga muujinayo xirfaddiisa." https://www.bbc.com/somali/war-54781397 +entertainment "Mar Amitabh Bachchan ""11 daqiiqo loo maleynayay meyd"" kaddibna ay dhacday arrin taariikhda gashay" "Xiddigga caanka ah ee Bollywood-ka iyo Hindiya, Amitabh Bachchan, ayaa isku diyaarinaya inuu maalmaha soo socda u dabbaaldego sanad-guurada 80-aad ee dhalashadiisa, balse maxaad ka ogtahay sheekada ku saabsan markii hadda ka hor loo maleeyay inuu geeriyooday? Jilaagan ruug-caddaaga ah waxay Soomaalidu u taqaan magaca ay iskood ugu bixiyeen ee ""Cali Dheere"", qof kasta oo filimada daawadana wuu garanayaa. Sanadkii 1982-kii oo hadda laga joogo 40 sano, ayuu Amitabh la kulmay shil halis weyn geliyay noloshiisa xilli uu jilayay filimkiisa caan baxay ee Coolie. Dadka ay da'doodu ka sarreyso 40-ka sano waxay u badan tahay in ay ka war qabaan qisada shilkaas oo markaas si weyn u qabsatay hadal-heynta caalamka. Laakiin waxaa laga yaabaa in qof kasta uusan ogeyn xogta hoose ee ku saabsan xaaladdii Amitabh uu galay markii uu ku jiray isbitaalka, sida mucsijada ahna uu uga badbaaday geerida. Ma jirin baraha bulshada ee maanta loogu tiirsan yahay wararka, sidoo kalena lama aasaasin qaar badan oo ka mid ah telefishinnada, laakiin sidaasoo ay tahay wararka iska soo dabadhacayay ee ku saabsanaa xaaladda caafimaad ee jilaagan waxay durbadiiba gaarayeen dunida oo dhan. Shilka kaddib, xaaladda caafimaad ee Amitabh waxay ka baxday faraha, fursadda badbaadada ee uu heystayna aad bey u yareyd. Dhakhaatiirtii ugu waaweyneyd ee waddanka ayaa gacmaha ka taagtay. Bishii July ee sanadkii 1982 ayaa shaqada duubista filimka Amitabh Bachchan ee 'Coolie' laga billaabay magaalada Banglore. Sababta ugu weyn ee halkaas loo tagay waxa ay ahayd in muuqaalka lagu daro xarunta tareennada laga raaco. Aad bay u adkaan jirtay in fasax loo helo duubista boosteejada tareennada ee Mumbai, sidaas awgeedna, agaasimihii filimka, Manmohan Desai iyo kooxdiisa waxay aadeen Banglore. Bishii July ee sanadkii 1982 ayaa shaqada duubista filimka Amitabh Bachchan ee 'Coolie' laga billaabay magaalada Banglore. Sababta ugu weyn ee halkaas loo tagay waxa ay ahayd in muuqaalka lagu daro xarunta tareennada laga raaco. Aad bay u adkaan jirtay in fasax loo helo duubista boosteejada tareennada ee Mumbai, sidaas awgeedna, agaasimihii filimka, Manmohan Desai iyo kooxdiisa waxay aadeen Banglore. Amitabh Bachchan waxa uu soo kaxeystay xaaskiisa Jaya iyo labo carruur ah oo ay isu dhaleen - Abhishek iyo Shweta – waxayna tageen hotel ku yaalla dhinaca galbeed ee magaalada. Sidii caadiga ahayd, maalintii ay taariikhdu ku beegneyd 26-kii July, 1982, Amitabh waxa uu usoo baxay jilista iyo duubista filimka. Waxa ay maalintaas noqotay mid isbaddal weyn ku sameysay taariikh nololeedkiisa. Qorshuhu waxa uu ahaa in maalintaas muuqaallo ka mid ah filimka lagu duubo kulliyadda Gyan Bharati ee Jaamacadda Banglore. Waxaa la diyaariyay dagaal dhex mari lahaa atooraha iyo ladaarka filimka. Waxa uu qorshuhu ahaa in laadarka uu feer caloosha uga dhufto Amitabh. Markii diyaarinta la sameynayay si fiican ayey ugu guuleysteen. Balse markii kaamirada laga duubayay, arrintu way isbaddashay. Punit, oo ahaa laadarka waxa uu feer caloosha uga dhuftay Amitabh, islamarkiina Amitabh waxa u uku dhacay dhulka. Duubistii qeybtaas waa la dhammeystiray balse feerkii ku dhacay Amitabh waxa uu u sababay xanuun aad u badan. Si dhaqso ah looma fahmin in Amitabh uu gaaray dhaawac halis ah. Mar uu ka sheekeynayay xaaladdaas ayuu Amitabh yiri: ""Islamarkii aan gaaray hoteelka, waxaan ku dul dhacay sariirta. Cabsi iguma jirin. Jaya ayaa ka codsaday in ay u yeerto dhakhtarkeyga khaaska ah oo ku sugnaa Mumbai iyo in ay carruurta u dirto guriga."" Dhakhaatiir kale oo loogu yeeray dawooyinkii ay siiyeen way ka joojin waayeen xanuunka. Markii uu yimid dhakhtarkiisa gaar ah, raajana ka qaaday waxaa la go’aansaday in la dhigo isbitaalka St. Philomena ee magaalada Banglore. Marka ay xaaladdu halkaas mareysay waxaa dunida oo dhan ku faafay warka ku saabsan in xaaladda caafimaad ee Amitabh ay xun tahay. Way sii xumaatay xaaladdiisa, miyir ma uusan lahayn, waxaana laga baqayay in uu koomo galo. Qalliinkii ugu horreeyay markii lagu sameeyay waxaa la ogaaday in mindhirika uu dillaacay aashitadii oo dhanna uu kusii daayay caloosha, haddii uu sidaas kusii socdana uu gaarsiin doono xubnaha kale ee uur ku jirta. Markii dambe waxaa suurtagashay in loo duuliyo magaalada Mumbai, maadaama isbitaalka Banglore uusan lahayn qalab casri ah. Waxaa la dhigay isbitaalka Breach Candy, halkaas oo uu xaalad adag ku maray. Jirkiisa dhiig badan ayuu lumiyay, taasoo keentay in lagu shubo ku dhawaad 60 unit oo dhiig ah. Maalintii ay taariikhdu ahayd 2-dii bishii August, 1982, Amitabh Bachchan waxa uu “caafimaad ahaan meyd ahaa” muddo 11 daqiiqo ah. Dadaalladii ay dhakhaatiirtu sameeyeen oo dhan, ma noqon kuwo guuleystay. Ugu dambeyn, 2-dii August, garaaca wadnaha Amitabh waxa uu noqday “0”. Dhakhaatiirtu markii ay sidaas arkeen way ka quusteen, wax rajo ahna kama aysan qabin in uu sii noolaan karo. Xaaskiisa Jaya ayuu dhakhtarku u yeeray si ay u aragto markii ugu dambeysay. Qorshuhu waxa uu ahaa in daqiiqado kaddib lagu dhawaaqo geeridiisa. Balse isku daygii ugu dambeeyay ayuu Dr. Udwadia daawo ka badan xadkii loogu talogalay ku siiyay Amitabh. Xoogaa yar kaddib, xaaskiisa Jaya ayaa aragtay suulkiisa oo dhaqdhaqaaqaya. Islamrkiiba waxay u qeylisay dhakhaatiirtii, waxaana dib loo billaabay shaqadii. Neefsashadiisii ayaa dib u billaabatay, indhahana wuu kala furay. Sidaas awgeed, Hindiya maalintaas waxaa looga yaqaannaa dib u dhalashadii Amitabh. Inkastoo Amitabh uu furay indhaha, dhaawiciisu weli dhiig ayaa ka baxayay. Dadaal badan iyo daaweyn aan loo kala harin kaddib ayuu kasoo caafimaaday dhaawicii taariikhiga noqday. Muddo 40 sano ah ayaa kasoo wareegtay dhacdadaas. Talaadada, oo ah 11-ka Bishan October waxa uu xusayaa sanadkii siddeetanaad ee kasoo wareegay dhalashiisa." https://www.bbc.com/somali/articles/cpr2rqex8g3o +technology Maxay tahay diyaaradda nukliyeerka xambaarta uu Mareykanka soo saaray ee aan la arkeyn marka ay hawada gasho? "Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa soo bandhigay diyaarad cusub oo ah kuwa xambaarah Nukliyeerka ah oo lagu magacaabo B-21, taasi oo si tartiib tartiib ah u bedeli doonta diyaaradii ugu horeeyay ee la duuliyay dagaalkii qaboobaa. Bamkii ugu horreeyay ee muddo 30 sano ah ayaa midkiiba ku kacaya ku dhawaad ​​$700 malyan oo doolar wuxuuna qaadi karaa hubka Nukliyeerka iyo kuwa caadiga ah. Sida la filayo, faahfaahinta gaarka ah ee diyaaradda ayaa ah mid qarsoodi ah. Laakin Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in tallaabadani ""ay ka marag kacayso faa'iidooyinka sii waaraya ee Ameerika ee dhanka hal-abuurka"". Diyaaradda B-21 ayaa lagu soo bandhigay xaflad Jimcihii lagu qabtay xarunta Northrop Grumman ee California. Mr Austin ayaa sheegay in diyaaraddu ay horumar weyn ka sameyn doonto duqeymaha hadda jira ee duullaanka Mareykanka ah, isagoo sheegay in ""xitaa nidaamyada difaaca hawada ugu casrisan ay ku adkaan doonto in la ogaado B-21 ay hawada ku jirto “. ""Konton sano oo horumar ah dhanka tignoolajiyada aan ogaan karin karin ayaa galay diyaaraddan,"" ayuu yiri. Waxa uu intaa ku daray in diyaaradda sidoo kale lagu dhisay habka ""open system architecture"", kaas oo u oggolaanaya in lagu daro ""hubka cusub ee aan xitaa weli la ikhtiraacin"". Inkastoo aan la sheegin suurtagalnimada ah in diyaaradda ay tahay mid aan cidna wadin iyo Inkale intii ay socotay xafladda, haddana afhayeen u hadashay ciidamada cirka Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradda ""ay diyaar u tahay suurtagalnimadaas, balse ma jiro go'aan lagu duuli karo shaqaale la'aan"". Duulimaadka ugu horreeya ee B-21 ayaa la filayaa inuu dhaco sanadka soo socda. Waxay ugu dambeyntii bedeli doontaa noocyada B-1 iyo B-2 waxaana lagu qiyaasay inay ku kacayso $ 203bn oo doolar si loo horumariyo, sida laga soo xigtay Bloomberg. Lix diyaaradood ayaa hadda farsamada ku jira, isaga oo intaa ku daray in ay muujin doonaan ""jiilka soo socda ee qarsoodiga ah"" iyo in ay isticmaalayaan ""farsamo cusub iyo qalab wax soo saar oo aan la cayimin"". Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa qorsheynaya inay helaan ugu yaraan 100 ka mid ah diyaaradaha." https://www.bbc.com/somali/articles/crg7exr191jo +health Dhimasho ma sababi kartaa hindhisada? "Hindhisada soo booddada ah waxaa lala xiriiriyay suuxitaanka degdegga ah, kaasoo mararka qaar khatar aad u weyn leh. Dhakhaatiirta iyo khubarada caafimaadka waxay sheegeen in hindisadu ay sambabada ka caawiso inay ka ilaaliso wax walba oo soo gala oo aan ahayn hawo. Hawada oo kaliya ayaa loo oggol yahay inay gudaha u gasho sambabada - haddii uu jiro wax sanka u dhow oo aan hawo ahayn hindhisada ayaa ka hortageysa oo celineysa. Maqaal qota dheer oo uu qoray Wargeyska ka faallooda arrimaha caafimaadka ee ""Healthline"" ayaa looga hadlay hindhisada, waxaana lagu sheegay in ay muhiim u tahay jirka bani'aadanka, sida caadiga ahna aysan sababin wax dhibaato caafimaad ah. Wargeyska ayaa sharraxay in hindhisadu ay tahay habka ugu habboon ee walxaha aan loo baahneyn looga bixiyo sanqaroorka ama dhuunta. Xilliga ugu fiican ee ay shaqadeeda waxtarka ugu weyn leedahay waa marka dabeysha ay tahay mid aan u diyaarsaneyn inay gudaha gasho. Mid ka mid ah shaqooyinka ugu waaweyn ee uu sanka hayo waa inuu dabeysha nadiifiyo si uu neef ahaan ugu gudbiyo sambabada, waxa uuna xaqiijiyaa in aysan wasakh dhaafin halkaas. Dadka qaar waxa ay sheegaan in hindhisadu ay u dhow dahay dhimasho maadaama qofka marka uu hindhiso ay la mid tahay sidii inuu miyir beelay. Balse dhakhaatiirtu way kasoo horjeesteen arrintaas oo ay ku tilmaameen ku tiri ku teen caafimaad. Mid ka mid ah dhakhaatiirta ayaa sheegay in hindhisadu ay qaabilsan tahay ilaalinta caafimaadka qofka balse jirku uu isku dayo inuu awood siiyo. ""Ma aha xaalad dhimasho, waa xaalad caafimaad,"" ayuu yiri Dr. Celeb Manya. ""Waa arrin layaab leh sababtoo ah dhuunta ayaa xirmeysa ilbiriqsi balse marka la hindhiso way is fureysaa."" ""Ma dooneyso dhuuntu in wax ka badan hawo ay soo galaan, sidaas darteed ayay had iyo jeer ilaalo uga heysaa marinta neefta,"" ayuu yiri. Waxaa jira sababo aad u badan oo keena in qofku uu hindhiso, sida uu sheegay Dr. Celeb Manya, oo ah khabiir ka howlgala isbitaalka Gusau ee ku yaalla gobolka Zamfara ee dalka Nigeria. Sababahaas waxaa ka mid ah hannaanka difaaca jirka, cudurrada, sida hargabka iyo neefsashada kiimikooyinka ay ka mid yihiin barafuunnada iyo waxyaabaha la midka ah. Cilmi beereyaasha Jaamacadda Saarland ayaa sheegay in ay daraasaddooda ku ogaadeen in dadka qaar ay hindiso billaabaan marka ay raashinka cunaan kaddib ayna dhargaan. Qaar kale waxay sheegeen in dareenka dhinaca shahwada uu u sababi karo hindhiso. Iyadoo ay mar walba ku xiran tahay xaaladda jirka - waxa aan caafimaadka lahayn ayaa sababi kara in uu qorku hindhiso. Khabiirka ayaa sheegay in dadka qaar aysan dooneynin in jirkooda ay saameyn ku yeeshaan waxyaabo kale, sida qashinka, busta, qiiqa ama udugga kasoo baxa raashinka. Sidoo kale waxa ay xasaasi ku yihiin urka xayawaannada qaar, marka ay usoo dhawaadaanna waxa ay billaabaan inay hindisaan. Badanaa dadku ma jecla inay hindisaan iyagoo ka xishoonaya bulshada ku hareereysan ama u diiddan sababo kale. Qaar waxa ay isku dayaan inay isku celiyaan hindhisada, taasoo aysan awoodin, halka kuwo kalena ay u suurtagasho in marka ay iscaburiyaan ay inay hoos u dhigaan. Balse Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in hindisada aan marna la joojin karin ama laga hortagi karin marka ay ku qabato. ""Way adag tahay in laga hortago hindhiso maadaama ay taas sababi karto dhimasho,"" ayuu yiri dhakhtarka. Inkastoo wargeyska Healthline uu sheegay inuusan wali la kulmin kiis ku saabsan qof u geeriyooday hindhiso haddana lama dhihi karo macquul ma aha inuu qof u geeriyoodo hindhiso awgeed. Khabiirka ayaa sheegay in saameynta ay reebto hindhisada ay ka mid yihiin xanuun dhanka maskaxda ah, dhuunta iyo sambabada oo xanuuna, kuwaasoo dhammaantood horseedi kara dhimasho. Waxa uu intaas ku daray in sababaha badanaa keena hindhisada ay yihiin kuwo sahlan, sida busta oo kale. Balse sida uu qoray Healthline, ugu yaraan hal qof ayuu dhuun xanuun ugu dhacaa hindhisada awgeed, taasoo sababta in uusan qofka waxba cuni karin ama hadli karin. Dhibaatooyinka kale ee ka dhasha hindhisada waxaa ka mid ah lafaha feeraha oo jajaba iyo sidoo kale xanuunno ku imaada dhagaha, indhaha iyo sanka. Dhaktarka arrintan sharraxayay waxa uu sheegay in hindhisada ay hoos u dhigto garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga. Tusaale ahaan haddii qof garaaca wadnihiisa uu daqiiqaddii ahaa 100 garaacitaan, marka ay hindhisada imaato waxa uu hoos ugu dhacayaa 90 ilaa 80, sidaas si la mid ahna waxaa hoos ugu dhacaya cadaadiska dhiigga ee qofka. Wargeyska caafimaadka ma uusan sheegin in hindhisadu ay sababto laab jeex ama gaas, balse wuxuu xaqiijiyay inay yareyso garaaca wadnaha. Seynisyahannada caafimaadku waxay isku raaceen in hindhisadu ay tahay caafimaad inta badanna joojinteeda uusan ka dhalanin wax ka badan madax xanuun iyo kala goysyada oo aad u xanuuna, balse mararka qaar ay in la xakameeyo ay ka fiican tahay in la iska dhaafo. U oggolow jirkaaga inuu hindhiso marka uu u baahan yahay." https://www.bbc.com/somali/war-59136373 +health Shan faa'ido oo laga helo cunista Yaanyada Yaanyadu waxay ka mid tahay khudaarta sida weyn loo cuno oo cunnooyinka lagu darsado sida basbaaska iyo baradhada. Yaanyadu waxay leedahay noocyo kala duwan xagga muuqaalka mid waaweyn oo wareeg siman, mid dhuuban oo qaabka ukunta u taallo iyo mid aad u yaryar. Balse waxay noocyada kala duwan ee Yaanyada ay ka siman yihiin midabka casaanka ah. Inkasta oo la helo yaanyo midabkeedu jaalla ama cagaar yahay. Haddaba maxay yihiin shanta Faa'ido ee laga helo cunista yaanyada: Qofka caafimaadka qaba ee qaangaarka ah maalintii wuxuu u baahan yahay 80 garaam oo Yaanya ah cuntadiisa iney ku jirto taasoo u dhiganta 5% maaddada Potaasiyamka oo qofka jirkiisa u baahan yahay. Qofka oo cuno cunnooyinka ay ku jirto maaddada Potaasiyamka waxay qofka ka caawineysaa inuu dhiig furan dhanka wadnaha ah uu ku dhicin iyo cudurrada kale ee wadnaha haleela intaba. Yaanyada waxaa ku jirta maaddada Lycopene, oo yaanyada midabka cas u yeeleysa. Daraasad badan oo lagu sameeyey maaddada Lycopene iyo faa'idooyinka qofku u leeyahay waxaa lagu ogaaday iney yareyso khataraha qofka ka soo wajahi karo cudur wadnaha kaga dhaca. Khudaarta yaanyada waxay ka kooban tahay maaddooyin phytochemicals la isku yiraahdo oo ay ka mid yihiin Lycopene, Lutein iyo beta-carotene. Dhammaan maaddooyinkaasi ayaa ah kuwa waxtar weyn u leh caafimaadka Indhaha iyo badqabka aragga qofka waxayna awood u leeyihiin iney ka hortagaan cudurrada indhaha ku dhaca ee da'da la socda. Maaddada Carotenoids oo inta badan laga helo khudaarta cagaaran oo ay Yaanyadu ka mid tahay waxay ka hortagaan cudurrada dadka haleela. Daraasad 2006-dii la sameeyey waxaa lagu ogaaday waxtarka ay maaddada carotenoids 10-12 toddobaad kaddib inuu waxtarka maaddadaasi hoos u dhici karo. Balse taa micnaheedu ma aha haddii aad Yaanya badan maalintii isticmaasho iney kaaga baahnyen inaad gubto si looga hortago dhibaatada ama khatarta ka dhalan karto si la mid ah cunta walba haddii isticmaalkeedu la badiyo. Daraasadduna waxay ku talo bixineysaa markasta oo yaanyada la kariyo waxtarkeeda caafimaad gaar ahaanna qaybta u qaabilsan ka hortagga waxyaabaha jirka halista ku ah ay kordheyso. Yaanyadu in lagu cuno dufanka ay ka mid yihiin Saliida Seytuun, waxay gacan ka geysaneysaa iney maaddada carotenoids ay jirka si wanaagsan ula falgasho. Sida oo kale maaddadaasi waxay wax weyn ka tartaa caafimaadka maqaarka qofka sida inuu iftiimo inuu ingeeg yeelan iwm. Yaanyada sida oo kale waxay qani ku tahay maaddada Vitamin K, oo waxtar weyn u leh dhiig xinjirowga iyo bogsashada dhaawac. Sida oo kale waxaa jira caddeymo muujinaya Vitamin K iney waxtar u leedahay lafaha iyo caafimaadka wadnaha. Daraasad 2015-kii lagu daabacay Joornaalka Arrimaha Nafaqada lagu soo saaro ayaa lagu ogaaday in cabitaanka casiirka Yaanyada ay u muuqatay inay caawiso hagaajinta qaar ka mid ah calaamadaha sida walaaca iyo garaaca wadnaha. Daraasaddan ayaa lagu sameeyay 95 haween ah oo ay da'doodu u dhaxayso 40 ilaa 60 sano kuwaas oo cabay 200ml oo sharaabka yaanyada, laba jeer maalintii, muddo siddeed toddobaad ah. Inkasta oo tani ay tahay tijaabo yar, natiijadu waa dhiirregelin waxayna dammaanad qaadaysaa in cilmi-baarisyo dheeraad ah la sameeyo. Yaanyadu waxaa la sheegaa iney dadku intooda badan ay isticmaali karaan marka laga reebo saameyn dhinaca xasaasiyadda, lafa xanuunka iyo xubno xanuun. Inkasta oo ilaa iyo hadda ay jirin daraasado rasmi ah oo taa caddeyneyso hase yeeshee waxaa la isku raacsan yahay oo keli ah dadka xasaasiyadda qaba qaarkood iney saameyn yar kala kulmaan marka ay yaanyada isticmaalaan. Waxayna dhakhaatiirtu ku talinayaan xasaasiyadda Yaanyada iney yartahay, balse haddii uu qofku xasaasiyad uu kala kulmayo inuu u bato dhanka khudaarta kale ee cuntada lagu darsado sida baradhada iyo kudaarta kale. Qofka haddii uu qaadanayo dawooyinka joogtada ah sida dawada dhiig karka oo kale waa inuu qofku raacaa talooyinka ay dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka. https://www.bbc.com/somali/articles/c04zlejlxr8o +health Haweenay laga daweeyay buro maskaxda ka soo baxday ka dib markii ay baaritaan ku samaysay indhaheeda "Haweenay ayaa laga daweeyay buro maskaxda ka soo baxday ka dib markii dakhtar indhaha ku takhasusay uu baaritaan ku sameeyay bukaankaas ka dibna indhaheeda ku arkay xaalad aan caadi ahayn. Christel Callow oo 26 jirah oo ku sugan England ayaa hadda aruursanaysa 62,000 gini si ay u hesho nooc dawayn ah oo aan aad looga helin xarunta qaran ee caafimaadka Britain ee NHS loo yaqaanno. Burada inteeda badan waa laga qalay balse waxaa loo sheegay in dawayn kale oo lagu sameeyo ay ka xeel dheeraan karto in lagu daweeyo radiotherapy. Xarunta NHS ayaa gabadhan u sheegtay in dawaynta ay doonayso ay siiyaan dadka buuxiya shuruudaha u yaalla oo kali ah. Christel ayuu madaxu aad u xanuuni jiray muddo labo bilood ah, 22 bishii Luulyo ayayna ballan ka qabsatay dakhtar. Dakhtarka indhaha ku takhasusay ayaana arkay caddaadis saaran isha midigta ah ee gabadha oo qayb ka mid ah ay aad u guduudatay. MRI laga saaray isbitalka Royal Shrewsbury Hospital ayaa muujiyay buro ku dhalatay maskaxda gabadha oo la eg kubadda tayniska lagu ciyaaro. Intaas ka dibna waxaa lagu qalay isbitaalka Royal Stoke Hospital. ""Waxay dhaheen muddo dheer ayaad la noolayd, haddii dhakhtarka indhuhu uusan ku arki lahayn waxay u badnaan lahayd in aad eersan lahayd, waaan miyir daboolmi lahaa ama dhinac ayaa i qalali lahaa,"" ayay tiri. Christel ayaa loo sheegay in ay qabto kansar si dhakhso ah u koraya oo la dhoho anaplastic astrocytoma, ayna u baahan karto radiotherapy balse laga yaabo in dawaynta radiotherapy ay waxyeelayso qaybo ka mid ah maskaxdeeda, arrintaasna ay saamayn doonto hadalkeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda. Qoyskeeda ayaa raadiyay qaab kale oo loo dawayn karo waxayna heleen proton beam therapy, waana qaab lagu tirtiro unugyada xanuunsan ee jidhka. Arrintaas ayaana lagu bartilmaameedsanayaa burada si loo daweeyo nooc gaar ah oo kansarka ka mid ah." https://www.bbc.com/somali/war-49506341 +sports Muxuu ra'iisul wasaaraha Pakistan u oggoladay in dalkiisa uu yimaado jilaaga caanka ah ee Sunny Deol? "Jilaaga caanka ee filimada dalka Hindiya, balse hadda siyaasiga noqday, Sunny Deol ayaa booqasho lama filaan ah ku tegay dalka Pakistan ee ay dariska yihiin Hindiya. Sunny Deol ayaa Pakistan u tegay, si uu uga qeybgalo xus diimeedka Kartarpur oo lagu qabtay meel ku taala xadka labada dal. Xus diimeedkan ayaa waxaa marwalba xusa dadka heysta madhabta Sikh ama dadka ay Soomaalidu u taqaano Singasingaha, kuwaas oo isugu yimaada xadka labada dal ee Pakistan iyo Hindiya. Dowladda Pakistan ayaa furtay afar kilomitir oo xadka ah, si dadka ay u yimaadaan dhismaha caanka ee la siyaarto ee Gurdawara. Kumanaan dadka aaminsan diinta Singasingaha ayaa siyaaro ahaan u yimaada halkaas, si ay u booqdaan dhismahaa caanka ah ee Gurdwara Darbar oo ay ku caabudaan sanamyo halkaas yaalay boqolaal sano. Ra'iisulwasaareyaahsa dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa labada dhinac ee xadka ka daah furay xuska, waxaana labada dal ay horay ugu heshiiyeen in afar kilomitir oo dhinac walba ah la furo, si ay dadka ugu qabtaan xus diimeedka. Sunny Deol ayaa markii uu halkaas tegay waxaa kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan dowladda Pakistan, waxaana uu u gudbay dhinaca kale ee Pakistan, halkaas oo uu kula kumay ra'iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan. Inkastoo siyaarada lagu qabto xadka labada dal ayaa hadana dhismaha caanka ah ee la siyaarto ee Kartarpur waxaa uu ku yaala dhanka xadka Pakistan. Sunny deol ayaa markii uu soo dhameystay siyaaarada waxaa uu dib ugu laabtay dalka Hindiya, halkaas oo uu warbaahinta maxaliga kula hadlay, una sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Pakistan, jaceyl bandanna loo muujiyay. Waxaa kale oo uu sheegay in tallaabadan uu ku tegay Pakistan ay bilaw u tahay heshiis nabadeed oo dhexmara labada dal ee Pakistan iyo Hindiya. ""Waxay ahayd kullan wanaagsan, waxaana la ii soo dhaweeyay si heer sare ah, waxaa la ii muujiyay jaceyl, tani waa bilawga heshiis nabadeed, waxaana filayaa in xaaladdu ay sidan sii ahaan doonta oo labada dhinac ay ku wada noolaan doonaan jaceyl"", ayuu yiri Sunny Deol oo la hadlay warbaahinta maxaliga ee dalka Hindiya. Wuxuu inta raaciyay in aysan jirin sabab ay labada dal u dagaalaman, iyadoo la heshiin karo, wanaagana laga shaqeyn karo. Sunny deol oo caan ku ah jilista filimada dalka Hindiya, kana soo muuqday inkabadan boqol filin ayaa horaantii sanadkan ku biiray siyaasadda, waxaana uu qeyb ka noqday xisbiga talada haya ee dalka Hindiya ee BJP. Bishii May ee sanadkan ayaa Sunny Deol waxaa uu ku guuleystay kursiga deegaan barlamaneedka Gurdaspur, oo uu haatan ku matalo barlamanaka dalka Hindiya. Atoorahan siyaasiga isku baddalay ayaa ka soo jeeda isla Magaalada laga soo doortay ee Gurdaspur oo ka tirsan gobolka Punjab. Booqashada uu Sunny Deol ku tegay dalka Pakistan ayaa lama filaan ku noqotay dad badan, maadaam xiriirka labada uu xumaaday, oo uu gaaray halkii ugu xumeyd, waxana mar dalalka Pakistan iyo Hindiya ay ku dhawaadeen in ay ku dagaalamaan gobolka Kashmir. Colaada u dhaxeysa labada dal ee hubka Niyukleyrka heysta, salkana ku heysa lahaanshaha gobolka Kashmir ayaa in mudoo ah soo jiitameesay, waxaana jilayaal badan oo u dhashay Hindiya, Sunny Deol na uu ka mid yahay ay ka sameyeen aflaan badan." https://www.bbc.com/somali/war-50400748 +business Nin laga raaligaliyay cunsurinimo lagu sameeyay 40 sano ka hor "Maamulaha Koleejka Eton ee ku yaalla dalka UK ayaa BBC u sheegay in uu ""si aad ah uga argagaxay "" cunsuriyadda iyo faquuqii uu la kulmay qofkii ugu horeeyay ee madow ah ee Kuleejkaasi ku soo biira. Qoraaga reer Nigeria Dillibe Onyeama ayaa ka qalinjabiyay kuleejka Eton sanaddii 1969. Waxaa uu qoray buug ka hadlaya takoorkii iyo cunsuriyayntii lagula kacay intii uu Kuleejkan dhiganayay ismarkana waxaa xitaa laga mamnuucay in uu soo booqdo. Maamulaha Kuleejkaasi Simon Henderson ayaa yiri ""waxaan qaadnay tallaabooyiin wax ku ool ah tan iyo xilligaasi "". Balse waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan ""waxyaabo badan oo ay tahay in wax laga qabto"". Kuleejkan Eton ayaa leh sumcad aad u sareysa iyada o ay ka so baxeen qaar ka mid ah bulshada dabaqadooda ay sareyso oo uu ka mid yahya, rai'sul wasaare Boris Johnson, oo isagu noqday rai'sul wasaarihii 20 ee ka so baxa Kuleejkaasi. ""Waxaan sameynay tallaabooyiin muhiim ah tan iyo intii ay soo shaac baxday arrinta Onyeama uu kala kulmay kuleejka,"" waxaa sidaasi BBC u sheegay maamulaha kolajkan Mr Henderson. Iyada oo malaayiin qof oo caalamka ku nool ay muujinayaan codkooda ay uga soo horjeedaan cunsuriyadda, midibtakoorka iyo sinaan la'aanta waa in aan qirnaa in wali ay jiraan wax badan oo wax ka qabasho u baahan,"" ayuu intaa ku daray. Onyeama ayaa BBC u sheegay in raaligalin la siiyo aysan badalayn fikirka uu ka aaminsan yahay Kuleejka Eton, oo si guud u ah mid wanaagsan. Balse waxaa uu intaa ku daray in raaligalintan ay tahay""mid lagu qirayo in sinaan la,aan ku saabsan dhanka midibka ay halkaasi ka jirto taasi oo niyadda ka dilaysa qofka dhibanaha u ah "". ayuu yiri Mr Onyeama Waxaa la waydiiyay sida su'aalaha ""maxaad madow u tahay?"", ""imisa Tixiri ayaa timaha kaaga jira? "" hooyadaa ma lafo ayay sanka ku xirataa?"" Marka uu Onyeama kuleejka buundo wanaagsan ka keeni waayo ama uu ku fiicnaado dhanka ciyaaraha waxaa taasi loo aaneyn jiray jinsiyadiisa iyo midibkiisa. Markii uu kuleejka ka helay darajada seven O-level, iskuulka dhan ayaa la yaabay. ""'Waxaad ii sheegtaa Onyeama, sidee buundadan ku keentay?' marar badan ayaa la i waydiiyay,"" waxaa uu sidaa ku qoray buugiisa. ""'waad qishtay, miyaysan ahayn?'"" Markii uu kuleejka ka tagay, waxaa uu wax ka qoray waxyaabihii uu la kulmay, sanaddii 1972 waxaa uu helay warqad looga mamnuucayo inuu booqdo Kuleejka Eton. Kuleejka Eton waxaa asaasay boqor Henry VI sanaddii 1440 islamarkana waxaa uu sumcad wayn ka leeyahay guud ahaan caalamka, waxaa uuna ku caan-baxay bixinta waxbarasho heerkeedu sareeyo. Waxaa imika ardada sanadkii ay ku dhigtaan lacag dhan ($50,000)." https://www.bbc.com/somali/war-53149887 +health Covid-19: Haweeney isku karantiishay suuliga diyaaradda "Macallimad u dhalatay dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay shan saacadood si iskeed ah isugu karantiishay suuliga diyaaradda kaddib markii laga helay xanuunka Covid-19 iyadoo ay diyaaraddu hawada ku jirto. Marisa Fotieo ayaa sheegtay inay dareentay in dhuunta ay xanuuneyso xilli ay ka soo safartay Chicago una socotay Reykjavik, Iceland, taariikhdu markii ay ahayd December 20. Ms Fotieo ayaa sheegtay inay si deg deg ah isku baartay iyadoo sidatay qalab, kaas oo xaqiijiyay inay qabto xanuunka. Waxay ku dhex jirtay suuliga ilaa ay diyaaraddu ka degeyso, mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaana halkaasi ugu geeyay cunto iyo cabitaan. ""Waxay ahayd wax dhib badan,"" Fotieo, oo ka soo jeedda Michigan, ayaa sidaasi u sheegtay NBC News. ""Waxaa diyaaradda saarnaa 150 qof, cabsideyda ugu weyna waxay ahayd inaan qaadsiiyo cudurka."" Muuqaalka ay soo dhigtay barta Tiktok oo ay ku duubtay gudaha suuliga diyaaradda Icelandair ayaa waxaa la daawaday in ka badan afar milyan oo jeer. Waxay shaqaalaha diyaaradda ku ammaantay sida ay u caawiyeen. ""Wuxuu hubiyay inaan helo wax walba oo aan u baahdo shantii saacadood ee xigtay haddii ay noqoto cunto iyo cabitaan si joogto ah ayuuna ii soo kormeerayay wuxuuna iigu laab qaboojiyay inaan caafimaadayo,"" ayay u sheegtay NBC. Fotieo ayaa sheegtay inay mar kale isku karantiishay hoteelka Red Cross hotel markii ay tagtay Iceland. Arrintan ayaa imaaneysa xilli nooca Omicron ee xanuunka Covid-19, uu ku faafayo gudaha Mareykanka. Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in noocan fayraska uu ka daciifsan yahay kuwa kale balse uu aad u fafo. Sida laga soo xigtay xarunta ka hortagga cudurrada ee Mareykanka celcelis ahaan kiisaska cusub ee toddobada maalmood la diwaan geliyo waa 277,000, waana tiradii ugu sarreysay tan iyo intii uu xanuunku dillaacay. Heerka dhimashada iyo dadka isbitaalka la dhigayo, ayaa si kastaba, intoodii ah. Tirada sii kordheysa ee dadka lagu qasbo inay is karantiilaan sababo la xiriira xanuunka ayaa culeys ku keentay shirkadaha, sida diyaaradaha. Khamiistii ayay ahayd markii ku dhowaad 1,100 duullimaadyo ah laga joojiyay dalkaas, sida laga soo xigtay barta shirkadda FlightAware. Lama oga inay haweeneydan sidatay warqadda baaritaanka Covid-19 kahor inta aysan diyaaradda raacin." https://www.bbc.com/somali/war-59844991 +entertainment Atariisho caan ah aabaheed oo dacwad kufsi ah loo heysto Warbaahinta dalka Hindiya, oo uu ka mid yahay wargeyska Hindustan Times ayaa si weyn u hadal haya kiis kufsi ah oo ka dhan ah aabaha dhalay atariisho caan ka ah Hindiya. Shehnaaz Gill, oo ka mid ahayd jilayaashii u tartamay ka qeyb galka filimka Bigg Boss 13, ayaa ka war heyshay in aabaheed, oo lagu magacaabo Santosh Singh Sukh, uu ku eedeysan yahay fal kufsi ah, dacwad maxkamadeedna laga diiwaan galiyay. Dacwadda ayaa loo gudbiyay maxkamad uu fadhigeedu yahay gobolka Punjab ee dalka Hindiya. Santosh oo hadda ka jawaabaya wararka ku saabsan arrintaas ayaa sheegay inuu caddeyn buuxda u heytso baabi'inta eedeyntaas. Sida ay sheegayeen wararka la xiriira kufsiga, haweeneyda dhibbanaha ah oo ku nool magaalada Jalandhar ayaa 14-kii May tagtay guriga Santokh oo ku yaalla Beas, si ay ula kulanto saaxiibkeed. Waxay ku eedeysay inuu markaas ku qaaday gaarigiisa, isagoo u sheegaya inuu la kulansiinayo saaxiibkeed, kaddibna uu ku kufsaday qori caaraddiis. Kiiska la xiriira dhacdadan la sheegayo ayaa la diiwaan galiyay 19-kii bishan May. Santokh oo arrintan wareysi ka siiyay warbaahinta Bollywood Life ayaa sheegay inuu maalinta falkaas la sheegay dhacay gurigiisa ku sugnaa, meelna uusan uga bixin. Wuxuu intaas ku daray inuu heysto caddeyn muuqaalka CCTV-ga ah oo xaqiijineysa inuusan maalintaas gurigiisa albaabkiisa dhaafin. Wareysiga ayuu sidoo kale ku sheegay in gabadha kufsiga ku eedeyneysa ay tahay carmali uu horay u furay ninkii ay wada joogeen, ayna heysato hal cunug. Santokh wuxuu gabi ahaanba dafiray in dhacdadaas ay wax ka jiraan, maadaama sida uu sheegay muuqaalka CCTV-ga uu bariyeelayo. Shehnaaz iyo walaalkeed Shehbaz Badesha waxay ku sugan yihiin magaalada Mubai, halkaasoo ay kusoo gaartay fadeexadda ku saabsan aabahood. Hindiya ayaa sannadihii dambe waxaa kusoo badanayay falalka kufsiga, kuwaasoo mararka qaar ay fuliyaan rag koox ahaan isu baheysta. https://www.bbc.com/somali/war-52773999 +health Daweynta Kansarka: Kaniiniga qof walba uu isticmaalo ee daweeya kansarka horaadada "Kaniiniga loo yaqaanno ""Aspirin"" ee badanaa dadku ay wada yaqaannaan ayaa ka qeyb qaadan kara la dagaallanka kansarka aadka saameynta u leh ee ku dhaca naasaha, waxa uuna xoojinayaa shaqada dawooyinka kale ee loo adeegsado xanuunkaas, sida ay sheegeen dhakhaatiir cilmi baaris sameysay. Burooyinka kansarka wata ayuu Aspirin-ta adkeynaysaa si aysan uga baxsanin dawada la dagaallameysa, sida ay khubaradu sharraxeen. Kooxd dhakhaatiir ah oo ka tirsan hay'adda ""Christie NHS Foundation Trust"" ee magaalada Manchester ayaa billaabaya tijaabo arrintan ku saabsan oo lagu sameynayo bukaannada qaba kansarka naasaha. Waxay ka shakisan yihiin in awoodda uu kaniiniga aspirin-ka u leeyahay ka hortagidda xanuunka iyo kuleylka jirka dhexdiisa ay sidoo kale gacan ka geysato xoojinta dawooyinka kansarka. Daraasado lagu sameeyay xayawaanno ayaa durbaba lagu ogaaday natiijooyin dhiirigelin leh. Waxaa jirto caddeyn loo hayo in aspirin-ka uu ka hortagi karo noocyo kale oo ka mid ah kansarka, sidoo kalena uu hoos u dhigi karo khatarta fiditaanka ee cudurkaas. Balse lama gaarin waqtigii dadka lagu dhiirrigelin lahaa inay isticmaalaan kaniinigaas, maadaama loo baahan yahay daraasado kale oo dheeraad ah. Qiyaastii 8,000 oo haween ah ayuu sannad walba kansarka horaadada ku dhacaa, dalka UK, sidoo kalena waa xanuun faro ba'an ku haya guud ahaan caalamka. Pakistan ayaa ka mid ah meelaha uu saameynta ugu badan ku yeeshay. Ma ahan nooca ugu badan ee kansarka balse khatartiisa ayaa aad u weyn, inta badanna waxa uu bartilmaameedsadaa dumarka da'da yar. Waxaa jira dawooyin kale oo wax ka qabta la dagaallanka cudurkan, kuwaas oo in muddo ah la adeegsanayay. Hase ahaatee waa marka xilli ku habboon la ogaado jiritaankiisa. Tijaabada la sameynayo, oo ay maalgelisay hay'adda cilmi baarista ""charity Breast Cancer Now"", ayaa qaar ka mid ah bukaannada lagu siin doonaa aspirin-ta iyo dawooyinka kale ee loo yaqaanno ""avelumab"" ka hor inta aan qalliin lagu sameynin. Haddii lagu guuleysto, waxaa la sameyn doonaa tijaabooyin dheeraad ah oo lagu sameyn doono noocyada kansarka naasaha ee aan la daweyn karin. Marxaladda aan la daweyn karin waa marka unugyada wata kansarka ay usii gudbaan qeybaha kale ee jirka qofka. Beth Bramall, oo 44 jir ah, kana soo jeedda Hampshire waxa uu kansarka ku dhacay sannadkii 2019-kii. Wxay tiri: ""Ma jiro nooc kansarka ka mid ah oo sahlan balse midka igu dhacay loo yaqaanno ""triple negative"" waa mid khatar gaar ah leh, fursadda daweyntiisana ay aad u yar tahay, qorshaha daweyntiisana uu muddo dheer qaadanayo."" ""Waxaa ii harsan labo sano oo dheeraad ah oo ay daawada ii soconeyso, ka dibna baaritaanno dheeraad ah la igu sameyn doono,"" ayay sii raacisay hadalkeeda. Dr Anne Armstrong oo hoggaamineysa daraasadda tijaabada ah ayaa tiri: ""Dhammaan noocyada kansarka naasaha kuma dawoobaan habka daweynta ee lagu xoojiyo difaaca jirka ee loo yaqaanno ""immunotherapy"". ""Tijaabada lagu sameynayo isticmaalka dawooyinka uu ka mid yahay aspirin-ta waa mid aad u xiiso badan, sababtoo ah waa kaniini meel walba laga heli karo, kharashka soo saaristiisana uusan badneyn. ""Waxaan rajeyneynaa in tijaabadeenna ay muujin doonto arrintaas, marka aspirin lala mideeyo habka xoojinta difaaca jirka wuxuu badinayaa saameyntiisa waxaana laga yaabaa inuu ugu dambeyn abuuro hab cusub oo lagu daweeyo kansarka naasaha."" Dr Rebecca Lee oo qayb ka ah cilmi baaristan ayaa sheegtay in natiijooyin lagu ogaaday sheybaarka ay muujiyeen in aspirin-ka uu gacan ka geysan karo ka hortagista kansarka, gaar ahaan inuu ka difaaco wiiqitaanka difaaca jirka, balse waa marka uu la fal galayo dawooyinka kale. ""Waxaan rajeyneynaa in aspirin-ka uu yareeyo kuleylka gudaha jirka ah, si markaas uu difaaca jirka awood buuxda ugu yeesho inuu dilo unugyada kansarka wata,"" ayay tiri." https://www.bbc.com/somali/war-58260314 +politics Coronavirus: AMISOM oo xayiraad ku soo rogtay xeradeedii ugu waynayd ee Soomaaliya Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa xaddiday dhammaan galitaanka iyo ka bixitaanka xerada milateriga ee Xalane ee magaalada Muqdisho. AMISOM ayaa waxa ay sheegtay in xerada ay xayiraadda saarnaan doonto muddo 30 cisha cudurka coronavirus awadii. Bayaan uu soo saaray howlgalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in iyagoo tixgalinayo baahida loo qabo in la xakameeyo oo uusan faafahin cudurka coronavirus ee safmarka ah, sidoo kalana loo dhowro caafimaadka iyo badqabka dadka deggan xeradaas iyo kuwa soo booqanayaba, ayaa AMISOM waxa ay xerada Xalane ku soo rogtay xayiraad muddo 30 cisha ah oo ka bilaabanaysa saqda dhexe ee 29-ka bishan Maarso. Tallaabadaas ayaa dib loo eegi doonaa haddii ay baahi kale soo baxdo. Xayiraaddaas waxaa ay sababaysaa in la joojiyo dhammaan howlihii dhismaha, dhaqdhaqaaqa gawaarida saadka iyo howlaha kale ee ganacsi ee xerada, iyo weliba dukaamada iyo aagga gawaarida lagu dhaqdo. Bayaanka ayaa dhanka kale lagu sheegay in kooxaha bixiya adeegyada asaasiga ah iyadoo la eegaya kiis kiis iyo xaaladahooda gaarka ah loo ogolaan doono inay soo galaan xerada. Jimcihii ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo wasaaradda caafimaadka ee dalka waxa ay xaqiijiyeen in kiiskii saddexaad ee coronavirus laga helay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada milateriga ee Xalane. Qofka xanuunkan laga helay ayaa lagu sheegay inuu yahay ajnabi la shaqeynayay hay'adaha Qaramada Midoobay. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xanuunkan ay si adag ula tacaalayso ayna qaadday dhammaan tallaabooyinkii diyaargarowga iyo qaabkii loo xakamayn lahaaba. https://www.bbc.com/somali/war-52082143 +health Henrietta Lacks: 'Hooyada' daweynta casriga ah oo lagu maamuusay kaalinteeda badbaadinta malaayiin qof "Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maamuustay haweeney madow ahayd oo u dhalatay dalka Mareykanka, taas oo unugyada jirkeeda ay sabab u noqdeen guushii ugu waynayd ee xilliga casriga ah laga gaaray baaritaan dhanka caafimaadka ah. Henrietta Lacks waxay dhimatay iyadoo 31 sano jir ah, waxayna xilligaas ahayd sannadkii 1951. Waxay u dhimatay Kansarka Ilmo-galeenka. Dhakhaatiirtii daweyneysay waxay ku sameeyeen baaritaanno iyadoo aysan ogeyn qoyskeeda iyo xitaa iyada, intii ay noolayd. Waxay ka qaadeen deecaanno iyo waxyaabo ay baaritaan caafimaad u adeegsadeen. Waxay ahaayeen unugyadii ugu horreeyay ee la qaaday ee ku sii labada jibbaarmay bannaanka jirka bini-aadamka. Waxaa loo adeegsaday baaritaannada la xiriira tallaalka xanuunka Dabeysha, qaabeynta hido-Sidaha, iyo daweynta IVF. Guulahaas la gaaray waxay sababeen in Henrietta Lacks loo magacaabo ""hooyada"" daweynta iyo dawada casriga ah. ""Arrinta ku dhacday Henrietta way qaldanayd,"" ayuu yiri Agaasimaha Guud ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus. Wuxuu hadalkaas ka sheegay munaasabad gaar ah oo ka dhacday Geneva, Arbacadii. ""Henrietta Lacks waa la khiyaamay. Waxay ka mid tahay dumarka aan caddanka ahay ee seynisyahannada ay si khaldan u adeegsadeen maydadkooda. ""Waxay aamintay hannaanka caafimaadka si loo daweeyo. Balse hannaankaas ayaa jirkeeda wax kala baxay iyadoo aan ogeyn oo anan u oggolaanin,"" ayuu yiri Dr Tedros. Unugyada The HeLa - waa magaca laga soo gabiyay magaceeda Henrietta Lacks - waxaa sidoo kale loo adeegsaday sameynta tallaalka kansarka ilmo-galeenka, kaas oo ah cudurka ay u dhimatay. Wiilkeeda oo 87 sano jir ah hadda, lana gudoonsiiyay abaalmarinta lagu sharfay hooyadii, wuxuu sheegay in ay ahayd haweeney cajiib ah, taas oo dunida sii caawineysa muddo ka dib geerideeda. Henrietta Lacks, qabrigeeda lama garanayo, sababtoo ah waxaa lagu aasay qubuuro si gaar ah loogu sameeyay dadkii la faquuqayay ee ku dhintay Isbitaalka Baltimore, ee Maryland. Dad aad u yar oo taariikhda dawada ku suntan ayaa la dhihi kara waxay badbaadiyeen nolol ka badan inta ay badbaadisay Henrietta Lacks. Mid ka mid ah haweenka madow ee da' yarta ah ayaa xaq u leh sheegashada macquulka ah ee ah in ay samaysay mid ka mid ah waxtarka ugu weyn daawada casriga ah - iyadoo aan waligeed ogeyn inay iyadu falkaasi fashay. Henrietta Lacks waxaa laga helay kansarka ku dhaca makaanka afkiisa 1951 iyadoo 31 jir ah, wax yar uun ka dib markay dhashay cunugeedii shanaad. Waqtigaas, Isbitaalo badan oo ku yaala dalka Mareykanka ayaa wali ku jira xaalka kala sooca dadka madow iyo dadka cadaanka ah, sidaa darteed waxaa jiray ikhtiyaarro yar oo iyada ah oo ay ku raadsato daaweyn markii ay bilaawday calaamadaha xanuunkaas. Waxay u leexatay Isbitaalka Johns Hopkins ee ku yaal Baltimore, Maryland, maadaama uu ahaa kii ugu dhowaa gurigeeda. Qaybta ay gashay waa qaybta George Gey, oo ah cilmi-baare isku dayay inuu ku kobciyo unugyada aadanaha shaybaarkiisa muddo tobanaan sano ah. Intii lagu guda jiray daaweynta si looga jaro buradaasa, dhaqtarkeedu wuxuu u diray shaybaadh yar oo unugyada ah iyada oo aan ogolaansho ka helin George Gey. Illaa waqtigan, isku dayga lagu doonayo in lagu koriyo unugyada aadanaha meel ka baxsan jidhka ayaa ahaa mid guuldarraysta. Laakiin wax yar oo ku saabsanaa unugyada Lacks ayaa beddelay xaalkaasi. Henrietta Lacks, si kastaba ha noqotee, ka hor dhimashadeeda shaybaar yar oo unugyadeeda ah ayaa laga qaaday iyada oo aan ogeyn, unugyadani ma dhiman. Si ka duwan shaybaar kasta oo hore ee unugyada aadanaha, kuwani waxay sii wadeen inay koraan oo tarmaan welina sidaas ayey maanta sameeyaan. Dadka badankood habka dabiiciga ah ee loo yaqaan 'duqoobiddu' wuxuu xad u yeelaa inta ay noolaan karaan unugyadu. Is beddelka waa wax ku xidhan gabowga: maadaama unugyadu kala baxayaan oo tarmayaan waqti ka dib. Isbeddelladaas waxay u eg yihiin inay la xidhiidhaan kansarrada iyo cudurrada kale ee da'da ay keento. Caadi ahaan unugyada aadanaha waxay awoodaan inay qeybsamaan ilaa 50 jeer ka hor intaysan gaadhin xilligii ay ku hawlgabi lahaayen Laakiin unugyada Lacks way ka duwanaayeen. Unugyadeeda waxay awood u yeesheen inay qaybsamaan oo ay oo iskusoo noqdaan si aan xad lahayn. Waxay ka dhigtay iyaga kuwo ku habboon cilmi baarista caafimaadka maadaama dhaqanka unugyada isku midka ah dhaqso loo korin karo. Si dhakhso leh, saynisyahannada adduunka oo dhami waxay u qaadayeen qaybo unugyada Lack's si ay u baadhaan. Nooca unugyadeeda ee loogu magac-daray ""HeLa"" oo lagu sharfayo Lack, waa khadka ugu horreeya uguna badan ee la isticmaalo ee ku jira daawada. Malaayiin dad ah ayaa noloshooda waariyeen unugyada laga qaaday iyada - unugyadeedii ay soo saartay ayaa loo isticmaalay in lagu abuuro tallaalkii ugu horreeyay ee cudurka dabaysha, dawooyinka kansarka iyo bacriminta ku jirta fitamiinnada. Sheekadeedu sidoo kale waa mid ka mid ah sheekooyinka anshax ahaan murugsan. Sannadkii 1951 fikradda oggolaanshaha bixinta unuguyadeeda lagama wargelin oo lagalama tashan iyada iyo cid qoyskeeda ah taas oo noqtay wax aan caqligal ahayn, sidaa darteed qoyskeedu wax fikrad ah kama haysan tabarucaadkaas inantooda illaa weriye Rebecca Skloot ay 50 sano kadib dib ubaadhay DNA-geeda oo sheeko ka samaysay." https://www.bbc.com/somali/war-58910005 +entertainment Samrat Prithviraj: 3 sabab oo keenay guul darrada filimkii la sugayay ee Akshay Kumar "Filimka lagu magacaabo 'Samrat Prithviraj' oo ay sameeyeen Manushi Chillar iyo atooraha caanka ah ee Akshay Kumar, ayaa dhawaan la sii daayay. Laakiin filimkan sidii laga filayay ma noqonin. Sida ay sheegayaan khubarada, filimkan waxa uu noqon doonaa mid ka mid ah kuwii guul darrada ugu xun la kulmay sanadkan. Inkastoo aad loo xiisaynayay ka hor soo bixitaankiisa, haddana ma uusan noqonin mid loo riyaaqay, dhaqaale fiicanna ma uusan soo xareynin. Akshay Kumar ayaa in muddo ah soo waday filimkan Samrat Prithviraj oo ay soo saartay shirkadda Yashraj Films, hadalhayntiisuna waxay maalmihii lasoo dhaafay qabsatay warbaahinta iyo baraha bulshada. Inta uusan shaashadaha kasoo muuqanin filimkan ayuu dhaliyay muran xoog leh oo ku saabsanaa dhowr arrimood. Isla sababahaas ayaana loo aanaynayaa inuu u guul darraystay. Sababta ugu horraysa waa in filimkan lagu dhaliilay inuu qayb ka yahay boqor lagu magacaabo Prithviraj. Markii ugu dambaysay, iyadoo la fulinayo dalab ka yimid shirkadda Karni Sena, ayaa magaca filimka loo baddalay Samrat Prithviraj. Boqorka uu filimkan ku saabsan yahay, Prithviraj Chauhan, ama Rai Pithora, waxa uu ka mid ahaa boqorradii ugu caansanaa ee Hinduuga. Isagoo yar ayuu taajka boqortooyada la wareegay 1177 CE, kaddib markii uu dhaxlay. Soo bixitaanka filimka ayaa kusoo aadday xilli Hindiya iyo meelo kale ay ka socdaan muranno la xiriira Islaam nacaybka. Dadka Hinduuga ah ee waddankaas ayaa lagu eedeeyay inay Muslimiinta laga tirada badan yahay faquuqeen. Sababta labaad ee filimka u horseedday hoos u dhaca ayaa lagu tilmaamay in Akshay Kumar oo ku jilaya doorka boqor Prithviraj uu dad badan uga careysiiyay xayeysiimo xad dhaaf ah, isagoo muddooyinkii lasoo dhaafay baraha bulshada looga jeedinayay dhaliilo ku aaddan xayeysiimihiisa badan. Munaasabado aad u badan ayaa loo sameeyay si sare loogu qaado filimkan, oo uu daawasho badan u helo. Waxyaabaha lagu xayeysiinayay waxaa ka mid ahaa kulamo lala yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxa maamulka gobolka Uttar Pradesh, oo lagu magacaabo Yogi Adityanath. Intaas keliya kuma ekeyn. Filimkan ayay dowladdu ka dhaaftay canshuuraha. Waxaase muuqata in dadaalkaas badnaa uusan u miro dhalin sidii loo qorsheeyay. Sababta saddexaad ee uu filimkan hoos u dhaca wayn ula kulmay ayaa lagu sheegay inay ahayd khalad lagu sameeyay dhinaca jilitaanka. Akshay Kumar oo ah atoore ay da'diisu tahay 56 sano ayaa qayb ka mid ah filimka ku jilay wiil dhallinyaro ah oo 26 jir ah. Ramachandran Srinivasan oo ah wariye rug caddaa ah kana faallooda arrimaha filimada ayaa isagoo qodobkan sharraxaya yiri: ""Dadku hadda wax walba way fahmayaan. axaa jiray waqti atooreyaasha Jitendra iyo Dharmendra loo aqbali jiray inay yihiin arday wax ka barta Jaamacadda. ""Inkastoo Aamir uu u muuqdo arday Jaamacadeed, maalmahan dadka wax daawada waxay rabaan in shaleemooyinka loogu soo bandhigo waxyaabo dhab u eg. Haddii uu atoore 56 jir ah jilo door 26 jir ah, waa hubaal inay dadka ku noqonayso wax layaab leh."" ""Ashaky waxa uu jilista filimada kusoo dhex jiray muddo sannado badan ah. Markii uu atooraha noqday waxa uu ahaa 26 jir. Xilligaas waa laga yaabaa inuu doorkaas kusoo bixi lahaa, balse hadda suuragal ma aha. Doorkaas waxaa la rabay inuu u dhiibo atoore da' yar. Waa inaan aqbalno inaan leenahay doorar kala duwan."" Filimkan ayaa khasaare aad u wayn kula kulmay dhinaca dhaqaalaha. Maalmihii ugu horreysay ayuu soo saaray qiimo aad uga yar kii la saadaalinayay. Girish Wankhede oo ah filim falanqeeye caan ah ayaa BBC-da u sheegay in filimka caanka ah ee Akshay Kumar, 'Samrat Prithviraj', uu u muuqdo mid aysan soo dhaweynin daawadeyaasha. Filimka waxaa la sii daayay 3-dii bishan June. Lacag dhan Rs 10.5 crore oo u dhiganta qiyaastii $1,343,681 oo doolarka Mareykanka ah ayaa kasoo xarootay maalintii koowaad. Maalintii labaad waxaa kasoo xarooday Rs 12.5 crore. Saddex maalmood gudahood filimkan waxa uu keenay lacag aad u yar oo dhan Rs 39 crore. Shantii maalmood ee ugu horraysay oo la filayay in uu gaari karo ilaa Rs 250 crore waxa uu keenay Rs 47 crore oo keliya." https://www.bbc.com/somali/war-61771189 +politics Bashiir Maxamed: Faahfaahinta baaritaanada lagu sameeyay meydka ganacsadihii lagu dilay Kenya "Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysaa baaritaanno lagu sameeyay meydka ganacsade Bashir Maxamed Gaboobe oo dhawaan meydkiisa laga helay goob duur ah oo ku taalla deegaanka Mwea ee dalka Kenya. Warbaahinta Kenya ayaa siyaasabo kala duwan uga hadashay dhacdadan, taas oo weli aanan gunteeda loo dhicin, lana helin raad rasmi ah oo muujinaya ciddii ka dambeysay dilka ganacsadaha. Baaritaano la sameeyay ayaa muujinaya in ganacsadaha la jirdilay ka hor inta aanan la ceejin. Ma jiraan wax rasaas ah oo jirkiisa ka muuqata, waxaase jira garaafooyin u eg in dhulka lagu jiiday. Waxaana baaritaanka meydka marxuumka ku sameeyay madaxa dowladda Kenya u qaabilsan baaritaanada meydadka. Waxay muujinayaan in la jirdilay isla markaana meydkiisa lagu tuuray webiga Nyamidi ee mara maamulka Kirinyaga. Qareenka u doodayo marxuumka ayaa sheegay in baaritaanada lagu ogaaday in jirkiisa uu u muuqday mid la gubay, dhaawacna uu kaga yaallay isha isla markaana ay u muuqato in bir lagu garaacay. Qareenka ayaa sidoo kale sheegay in dhaawaca gubasho ah uu ka muuqday meydka ay ugu wacan tahay in toos loo gubay ama koronto lagu dhajiyay. ""Waxaan rajeyneynaa in baaritaanno sax ah la sameeyo si dadkii ka dambeeyay dilkiisa caddaaladda loo horkeeno"" ayuu yiri Charles Madowo oo ah qareenka u doodayo qoyska marxuumka, sida uu ku warramay Nation. Wargeyska Daily Nation, oo soo xiganayo xubno ka tirsan qoyska ayaa sheegay in FBI-da aysan si toos ah faraha ula soo geli karin baaritaanada meydka maadama arrinta ay ka dhacday gudaha Kenya oo ay baarayaan laamaha dambi baarista dalkaas. Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka, wuxuu madax ka ahaa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, wuxuuna mashaariic waaweyn ka fuliyay Kenya iyo Soomaaliya. Bashiir wuxuu shahaadada labaad ee injineernimada ka qaatay jaamacadda Wrights University ee Dayton, dalka Mareykanka. Wuxuu in muddo ah la soo shaqeeyay shirkadda Boeing ee sameysay diyaaradaha. Aaska Maydka Boqolaal qof oo mas'uuliyiin dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ka midyihiin ayaa shalay ka qeybgalay aaska marxuumka, iyada oo janaasada lagula tukaday masaajidka Salaam ee xaafadda South C, halka lagu aasay qabuuraha Langata. Dadkii ka qeybgalay oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay geerida, waxayna walaac ka muujiyeen dilka arxan darada ah ee loo geystay Bashiir. Soomaalida Nairobi degen oo u badan ganacsato haysta jinsiyo kala duwan ayaa maalgeshi xoog leh ka sameeyay gudaha Kenya, dilka Bashiirna wuxuu u yahay dareen dhiilo leh." https://www.bbc.com/somali/war-57237184 +politics Maamulka Joe Biden: Shan caqabadood oo aad u waaweyn oo hor taagan madaxweynaha Mareykanka "Waxaa jirta oraah caan ah oo uu yiri feeryahanka lagu magacaabo Mike Tyson - taasoo ah ""qof walba qorshe ayuu leeyahay ka hor inta aan feer looga dhufanin afka"" - isla oraahdaas ayaana mararka qaar loo adeegsadaa arrimaha siyaasadda. Joe Biden waxa uu muddo xileedkiisa madaxweynenimada billaabay isagoo heysta qorsheyaal badan - sida hannaanka kasoo kabashada Covid-19, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, maalgashiga iyo ballaarinta dowladda. Balse muddo hal bil iyo bar ah oo lasoo dhaafay waxa uu ku dhammeystay isagoo feer afka looga garaacayo. Heerka ay taagneyd taageerada shacabka ee Mr Biden ayaa hoos u dhacday markii ugu horreysay, kaddib markii ay isbiirsadeen arrimo ay ka mid yihiin buuq ka dhashay go'aankii ciidanka Mareykanka looga soo saaray Afganistan, hubanti la'aan soo food saartay kobaca dhaqaalaha iyo walaac ku aaddan faafitaanka nooca cudurka Covid-19 ee loo yaqaanno Delta. Dadka taageeradooda hoos u dhigay ayaa u badan kuwa aan xisbi gaar ah taageersaneyn ee ka madaxa bannaan Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga labadaba. Halka qaar ka mid ah qorsheyaasha madaxweynaha, sida kharashka loo qoondeeyay kasoo kabashada cudurka safmarka ah, ay dhaqan galeen, waxaa jira kuwo kale oo uu shaki badan hareeyay, iyadoo gudaha xisbigiisa Dimuqraaddigana uu ka soco isqabqabsi ku aaddan sida loo wajahayo caqabadaha. Dhanka kale waxaa cadaadis xoog leh uu ka heystaa siyaasiyiinta xisbiga kasoo horjeeda ee Jamhuuriga. Hadda oo la filayo in Mr Biden uu kasoo muuqdo shir madaxeedka Golaha Qaramada Midoobay, caalamka iyo dadweynaha Mareykankaba waxay ka dhowrayaan sida uu u maareyn karo caqabadaha waaweyn ee hor yaalla. Culeysyada heysta madaxweynaha Mareykanka waxay abuuri karaan fursado dib loogu soo nooleeyo siyaasadda, balse sidoo kale waxay keeni karaan khatar weyn oo ku aaddan in laga soo kaban waayo dib u dhaca. Xilli hore oo sannadkan gudihiisa ah, hoggaamiyeyaasha Dimuqraaddiga waxay dejiyeen qorshe labo tallaabo ah oo loogu talo galay in la hirgeliyo kalabarka hore ee waqtiga madaxweynenimada Biden. Midka hore waxa uu ahaa in la diyaariyo dhaqaalaha ku baxaya dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha. Aqalka odayaasha ee Senate-ka ayaa arrintaas ansixiyay bishii August, haddana waxa uu yaallaa Aqalka. Waxaa lala sugayaa qaybta labaad ee qorshaha Biden, oo ay ku baxeyso lacag dhan dhowr tirilyan oo doolar, si loogu kharash gareeyo barnaamijyada ay ka mid yihiin xannaanada carruurta, waxbarashada, caafimaadka, xannaaneynta waayeelka, qoysaska iyo deegaanka. Qaybta labaad waxaa ansixin doona Aqalka Wakiillada ee Congress-ka. Arrintan waxaa la filayay inay noqoto mowduuca ugu weyn ee laga doodo sanadka dambe, marka ay maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka billowdo dhageysiga dacwadda ku saabsan in la mamnuuco hannaanka caafimaad ee lagu soo rido ilamaha uurka ku jira wixii ka dambeeya 15 isbuuc. Balse hadal heynta ayaa sii billaabatay durba, iyadoo dad badan ay diiddan yihiin in dowladdu ay tallaabo u qaaddo dhankaas. Horaantii isbuucan waxaa dhacay mudaharaadyo lagu taageerayo soo ridista ilmaha, taasoo cadaadiska ku kordhisay madaxweynaha dhowrka bilood xafiiska jooga. Aqalka Cad ee Biden ayaa in badan ku celcelinayay guulaha uu maamulkooda ka gaaray wax ka qabashada cudurka safmarka ah ee Covid-19. Mararka qaarkood waxay u muuqatay in arrimaha ay u socdeen sidii la rajeynayay. Bishii July waxa uu madaxweynaha u sheegay shacabka in lagu dhow yahay marxalad lagu dhawaaqi karo ""in laga xoroobay"" fayraska. Laakiin waxaa si lama filaan ah usoo baxay nooca fayraska ee lagu magacaabay delta, kaasoo dhaliyay cabsi aad u weyn. Isbitaallada ayaa mar kale dib u buuxamay, iyadoo faafitaan kalena laga baqayo. Mareykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqay qorsheyaal lagu khafiifinayo xayiraadihii adkaa ee dhinaca safarrada lagu soo rogay 18 bilood ka hor, si la isugu dayo in la xakameeyo cudurka safmarka ah. Dadka tallaalka loo dhammeystiray ee ka imaanaya dalalka Brazil, Shiinaha, Hindiya iyo qaar badan oo ka mid ah waddamada reer Yurub ayaa loo oggolaan doonaa inay u duulaan Mareykanka, laga billaabo bisha November. Ka bixitaankii ciidamada Mareykanka ee dalka Afghanistan waxa uu ahaa go'aan taageero usoo jiidayay dowladda Mr Biden iyo hannaankeeda siyaasadeed. Waxaa durbadiiba kordhayay tirada dadka taageersan madaxweynaha. Inkastoo Aqalka Cad uu filayo taageero haddana wax kasta waxay ku xirnaanayaan mustaqbalka Afghanistan. Guul darro weyn ayaa maamulka Biden soo wajaheysa haddii Afghanistan ay mar kale hoy u noqoto kooxha Islaamiyiinta ah, islamarkaana ay khatar gasho muwaadiniinta Mareykanka ah ee wali ku harsan dalkaas. Halka Biden uu xoogga saarayo caqabadaha gudaha, dunida inteeda kale meel ismaha fadhiso. Siyaasadda arrimaha dibadda ayaa la filayay in ay xuddun u ahaato howsha madaxweyne Biden, oo siddeeddii sano ee uu madaxweyne ku xigeenka ahaa ku jiray guddiga arrimaha dibadda. Hase yeeshee khibraddi wax kasta ma fududeyso. Isbuucii lasoo dhaafay oo kaliya Mareykanka waxa uu lugaha la galay xiisad diblomaasiyadeed kaddib markii uu heshiis la galay Australia, kaasoo sababay in laga baxo heshiis lagula jiray Faransiiska. Xukuumadda Paris ayaa carootay kaddib markii Australia ay saxiixday heshiiska Aukus oo lagu dhisayo maraakiibta badda hoosteeda quusa oo ku hubeysan nuclear-ka. Heshiiska Aukus waxa uu abuuray khilaaf weyn oo soo kala dhex galay dalalka reer galbeedka ee saaxiibbada dhow isu ahaa." https://www.bbc.com/somali/war-58634409 +politics London: Maxaa derbi jiif ka dhigay hooyadan iyo wiilkeedan Soomaalida ah? "Sannadkii 2017-kii, nin qoraa ah oo madaxa bannaan oo lagu magacaabo, Tom de Castella, wuxuu ogaaday Hooyo iyo wiilkeeda oo ku nool kursi dheer oo ku dheggan waddo marta Koonfurta London. Wuxuu ogaaday in xilligaas uu arkayay in laba sano ay meesha ku noolaayeen. Maxay tahay sababta uusan qofna u sameynin arrin lagu cawinayo? Maxay tahay sababta uu qof kasta u aqbalay sidan in ay caadi tahay? Markasta oo uu sii baarayba, waxay ku sii noqoneysay la yaab. Wuxuu sheekada ku billaabay Wax wayn oo ku duuban bacaha biyaha celiya oo dhalaalaya. Waxay fadhisaa bartamaha marinka dadka. Waxaan is weydiiyay, ma qalab muusiko oo duugoobay baa? Alaab reer loo keenay oo in la furo larabo miyaa?. Wax yar ka dib bacdii waxay bilowday in ay dhaqaaqdo, gacan ayaan bannaanka usoo baxday si ay bacda u furto, waxaana ka soo baxay nin iyo haweeney ku duuban bustayaal oo ku fadhiya kursi. Waxay Afar sano ku noolayeen kursigan ku dheggan dhulka ee dadweynaha loogu talagalay ee waddo mashquul badan oo ka mid ah kuwa London. Maalintii oo dhan halkaas ayey fadhinayaan iyagoo daawanaya sida dadka iyo gaadiidka isu dabamarayaan. Habeenkiina bacdaas ayey isku duubayaan, ka dibna way seexanayaan. Kusriga ayaa noqday gurigooda. Markii ugu horreysay ee aan arkay, waxay ila noqotay musiibo kale oo sababtay kororka dadka guryo la'aanta ah, kuwaa oo shacabka ay deyriyeen. Balse markasta oo wax badan aad ka sii ogaato, sheekada way sii adkaaneysaa. Intii aan baritaanka waday, waxaan ogaaday dadka kursigan ku nool in ay yihiin hooyo iyo wiilkeeda oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya. Hooyadu waa 70 sano jir, wiilkana wuxuu ku jiraa da'da 30-meeyada in kastoo uu u muuqdo in uu ka weyn yahay. Waxaa nasiibdarro ah in Golaha Deegaanka ay dadkan siiyeen dhowr guri. Dhammaan way diideen - xittaa iskuma aysan deyin in ay guri raadsadaan. In kursigan ay ku noolaadaan waxay u muuqataa in ay tahay nolol ay iyaga doorteen. Kor meer uu sameeyay Maamulka Guud ee London iyo hay'adda St Mungo's, waxay ku ogaadeen in 3,289 oo qof ay seexdeen jidadka London ugu yaraan hal mar, muddadii u dhexeysay October iyo December ee sannadkii la soo dhaafay, Waa tiradii ugu badneyd tan iyo markii uu diiwaankan bilowday. Balse rubuc ka mid ah dadka jidadka London seexda, waxay halkaas seexanayeen ugu yaraan laba sano oo xiriir ah. Ma noqon kartaa in hooyadan iyo wiilkeeda, ee ku nool waddadan saxmadda badan, in qof kasta oo kale ee jidka ku nool ay iyagu yihiin kuwa ugu waqtiga dheer ee UK oo dhan? Waxaan sameeyay hubin iyo inaan ogaado sheekadii hore ee labadan qof ee kursiga ku fadhiya. Muddo dhowr sano ah waxay ku noolaayeen guri uu leeyahay Golaha Deegaanka oo ku yaalla Battersea. Balse ka dib markii uu dhintay qof ka mid ah qoyska, waxaa lagu yeeshay deyn badan oo kirada ah. Bishii February, 2014-kii, Golaha deegaanka ee Wandsworth ayaa xoog uga soo saaray gurigii ay ku noolaayeen. Ilo ku dhow Golaha waxay sheegeen in guri ku meelgaar ah la siiyay, maalintii laga soo saaray midkii ay ku noolaayeen, Laakiin hooyadan iyo wiilkeeda maba aysan tagin meeshii loo diyaariyay. Qofna kuma baraarugsaneyn waxa xiga ee dhici karay. Kursigii ugu horreeyay ee ay ku noolaayeen wuxuu yallay waddo dhowr boqol oo mitir u jirta meesha hadda ay joogaan. Bishii December ee 2014-kii, waxaa la dhigay cisbitaal ka dib markii uu qabow ku dhacay - intii ay cisbitaalka ku jireen, Golaha Deegaanka wuxuu meesha ka qaaday kursigii ay ku dul seexan jireen, iyagoo sheegay inuu yahay mid ay ""dib ugu soo noqon doonaan"". Markii hooyada laga soo saaray cisbitaalka - wiilkeeda wuu ku sii jiray muddo dheer - Waxay toos u aaday kursigii, waxayna aragtay in meeshii uusan oolin. Ka dib waxay u wareegeen kursi kale oo dadweyne oo ku dheggan Balham. Bishii April 2015-kii, Hooyada iyo wiilkeeda waxay heleen kursi kale oo yaalla bannaanka madxafka Tooting. Halkaasna waa meesha ay ku noolaayeen. Waa galab, maalin shaqo, sacadduna waxay ahayd 2:15pm. Hooyada iyo wiilkeeda waxay isku duubayaan bacda, si ay u nastaan. Bas waddada ciriiri ku noqotay ayaa dhinacooda taagan. Qof kasta oo qeybta hoose ee baska saaran wuu daawanayaan. Waad arki kartaa la yaabka ka muuqda wejiyada dadkaas: ""Kaas ma hoy baa? Dadkan ma halkan bay si dhab ah ugu nool yihiin?"" Marka kor laga eego waxay la mid tahay in hooyadan iyo wiilkeda aysan la socon waxa hareerahooda ka dhacaya. Wuxuu wiilka aalaba akhriyaa buug ama wuu shanleysanayaa. Hooyadana waxay eegtaa jidadka iyo dadka. Ficil ahaan, way adag tahay in la fahmo. Sidee buu kursigaa yar u qaaday laba qof in ay ku seexato? Iyagoo fadhiya miyey hurdaan? (Haa waa sidaa. Waxay ku tiirsadaan barkiimo, waxayna lugaha saartaan boorsooyiin.) Xilliyada qabowga uu aadka u badan yahay, sidey isku kululeeyaan ama xilliga kuleylaha sidey isku qaboojiyaan? Buuqa ka warran? Waxaa jiro gawaari hoon yeerineysa, sawaxanka basaska iyo buuqa kale ee habeen iyo maalinba jira. Sida ay ugu dulqaadanayaan waxay u muuqataa in ay la mid yihiin dad guri ku dhex nool ee aan degganeyn meel tallaabo u jirta halka ay dadka maran iyo waddada gawaarida. Weligood ma aysan tuugsan. Maandooriyeyaal ma isticmaalaan, sida ay sheegeen dadkii la shaqeeyay. Cunto ama bustayaasha ay siiyaan dadka waddada maraya kama aqbalaan, balse way la sheekeystaan. Waxay haystaan bustayaal badan iyo cunto iyo cabitaan diyaarsan oo yaalla dhankooda, kuwaas oo ay ka heleen maqaayadaha xaafadda. Waxay adeegsadaan musqusha madxafka ama kuwa maqaayadaha yaryar ee xaafadda. Sidoo kale, tagaasida ayaa si bilaash ah ku qaada. Wiilka wuxuu xilli kasta aadaa masaajidka xaafadda oo uu ku soo tukada. Waxay caan ka noqdeen waddada Mitcham, iyagoo garab ka helaya bulshada deegaanka. Balse maxay ka dheheen khibraddoodan? Waxay hayd dhammaadkii January, oo ahayd xilli aad u qabow. Xitaa afka qiiq ayaa ka soo baxayay. Qoraaga wuxuu sheegay in uu aad u xiiseynayay sidii uu ku ogaan laha sida ay qabowga ugu dulqaadanayaan. Waxaa dhexmartay sheekadan: Qoraaga: Hi, ma wacan tihiin? (way dhoolla caddeeyeen.) waxaan aamini la'ayahy in qabowga ba'an ay dhex fadhidaan. Habeenkii, sideed ugu adkeysataan? Wiilka: Waa qabow. Mararka qaar waaba saa'id. Qoraaga: Muddo intee la eg baad halkan ku nooleedeen? Wiilka: Muddo dheer. sanado iyo sanado. Qoraaga: Sanado iyo sanado. Sabab? Wargeyska waxaan ku arkay golaha oo dhahaya, waxaa la idiin siiyay guri balse adinku ma dooneysaa inaad halkan ka guurtaan. Wiilka: Taas ma dhici karto. Qoraaga: Sabab? Wiilka: Kuuma sheegi karo... (Bas ayaa soo maray meesha, waana maqli waayay jawaabtiisa oo buuxda.) Qoraaga: Ma waxaad jeceshihiin in guri aad ku noolaataan, mise kursigan? Wiilka: halkan baan joogeynaa. Qoraaga: Halkan miyaad joogeysaan? Wiilka: Haa. Qoraaga: Abid? Wiilka: Ma ogi. Qoraaga: Dhab ahaan? Wiilka: Nasiib waan yeelan karnaa. (Inta kale ee jawaabtiisa waxaa qariyay sawaxanka gawaarida. Waxaana la yaab igu noqotay waxa uu ula jeedo.) Qoraaga: Haddii Golaha deegaanka uu guri idiin siiyo, ma u guureysaan? Wiilka: hadda kuuma sheegi karo taa, waan ka xumahay. Markii sheekada ay halkaas mareysay, hooyada waxay bilowday in ay qososho, wiilkeedana wuu dhoolla caddeeyay. Way isu gudbiyeen, waxay ahayd arrin aan macquul ahayn - aniguna waan qoslay. Waxaan dhihi karaa, xaaladdooda ayaan la yabay, waana dareemi karaa in iyaguna ay la yaabeen su'aaleheyga, sida in jawaabohooda ay yihiin caadi, anigana aan diidanahay. Waxaan u sheegay in xaaladdooda aan wax uga qorayo BBC-da. Wiilka wuxuu sheegay in uu garanayo BBC. Waxaan u sheegay in aan ka walwalsanahay in ay waddadan ku noolaadaan iyadoo qabowgan ba'an uu jiro. Qoraaga: Dadka badankooda waxay ku jiraan gudaha dhismayaasha. Wiilka: haa, Anaga guri kuma jirno. Qoraaga: Ma rabtaan in aad ku seexataan sariir guri dhex taalla? Wiilka: Guri waa in la kululeeyo, bannaankanna waa la mid. Hooyada: Haa! si la mid ah! (Waxay xoojineysay hadalkiisa. Waa soo afjaridda xaaladda, waxay u muuqatay in sidaa ay ula jeeday. Meel kasta waa in la kululeeyo, macno ma sameyneyso in aad guri ku jirto ama bannaan joogto.) Qoraaga: Waa dhibaato marka uusan derbi dhisneyn, kululeeyana uusan kuu xirneyn? Hooyada: Haa! waa isku mid! Waxaan isku deyay in macluumaad badan aan u helo sida ay tahay nolosha kursiga, balse wiilka ma dooneyn in uu wax badan ka dhoho arrinta. ""Maya, aad baan uga xumahay,"" ayuu yiri isagoo dhoolla caddeynaya. Waan weydiiyay in ay Soomaliya ka yimaadeen, wuxuuna iigu jawaabay 'haa. Wuxuu sheegay in muddo fog ka hor ay ka soo tageen Soomaaliya. Waxaan ku kala tagnay isu dhoolla caddeyn iyo ereyo fiican, laakiin mid kasta uu ku wareersan yahay su'aalaha iyo jawaabaha. Ka dib dhowr goor oo aan la sheekeystay, waxaan is lahaa English-ka si fiican uma garanayaa. Hadda waxaan aamin sanahay in fahamkooda uusan dhib ahayn. Taa bedelkeeda wuxuu walwalka yahay in aysan garaneyn sidii ay xaaladdooda u fahmi lahayeen, iyo waxyabaha diyaarka u ah. Waxay ii sheegeen in nolosha bannaanka iyo midda guryaha ay isku mid yihiin xilliga qaboobaha. Iyo in meel kasta ay qabow tahay xilligaas. Muxuu yahay farqiga u dhexeeya guri iyo kursi? Yaa u baahan sariir? way adag tahay in taas lagu murmo. Ma ogyihiin in qaabka ay u nool yihiin uu halis ku yahay cafimadkooda, waa walwal kale. Saacad ka dib waxaan tagay kafateeriyada Al Jazeera oo ku taalla Streatham, halkaas oo Soomaalida ay ku badan yihiin. Kooxo rag ah oo suudad xiran oo qoorta ay maryo u saaran yihiin ayaa meesha fadhiyay. Waxay cabayeen kafee iyo shaah rinji ah. Waxaa la ii diray Cabdicasiis Xaashi, oo ah nin sheekadooda si wanaagsan u garanaya. Wuu u tagay hooyada iyo wiilkeeda, balse wey diideen in ay dhageystaan, sida uu sheegay. Bulshada Soomaalida waxay dareemayaan in kiiskan uu dhibaato u geystay. Waxay si joogto ah ugu casuumeen in ay guryahooda kula noolaadaan laakiin, si la mid ah wixii ay la kulmeen Golaha Deegaanka, Hooyadan iyo wiilkeeda way diideen. Waxaa la i tusay warbixin Af Soomaali ah oo laga sameeyay oo la geliyay YouTube-ka. Waxaa lagu wareystay bulshada Soomaalida ee xaafadda Tooting. Mid ka mid ah haweenka lala hadlay waxay tiri: ""Aad baan ula murugooday arrintan. Wax kasta waan isku deynay - way diiday in ay dhageysato taladeena."" Nin dadkaas ka mid ahna wuxuu yiri: ""Waa ceeb weyn. Haddii bulshada Soomaalida ay doonayaan in ay wax ka qabtaan, way xallin karaan."" Ninkii ila socday madaxa ayuu ruxay. Ma jiro wax badan oo bulshada Soomaalida ay sameyn karto, ayuu yiri. Wuxuu ka walaacsan yahay saameynta qaabka ay u nool yihiin ay ku yeelaneyso caafimaadka maskaxdooda. ""Haddii aniga aan ahaan lahaa oo noloshan aan ku jiri lahaa, mar hore ayaan dhiman lahaa. Ma garanayo sida ay ku badbaadaan."" Waxaan weydiiyay, waxa la sameyn karo. Si degdeg ah ayuu u jawaabay wuxuuna yiri: """"Waxay ahayd in halkan laga raro si bini-aadamnimo ah. Dadka way xanuunsan yihiin runtii."" Waxaa suuragal ah in wax yaabaha loo soo bandhigay ""aysan buuxin karin bahidooda"" ayey tiri Hannah Gousy, maamulaha arrimaha sharciga ee hay'adda Crisis. Waxaa suuragal ah in ay noloshan dhibka ah ka doorbidayaan in guri ay la wadaagaan qof kale oo suuragal ay tahay in walwal ay ku abuurto. Waxaa dhici karta in aysan aaminsaneyn dadka kale ee guri la'anta ah iyo hay'adaha u sheegaya in ay caawinayaan. In meel ay iyagu leeyihiin ay helaanna, waxaa suuragal ah inay dhib ku noqoto kuwa soo dhoweynaya dad la qabsaday nolosha waddada. Waa inaad lacagta korontada iyo kuwa kale bixisaa. Waa in bedelkooda aad hesho. Waa in aad u hoggaansanto shuruucda. Tallabada ugu fiican waa in marka hore aad guri dejiso, ayey ku dooday Gousy. Su'aal kale ayaa taagan oo ah, Hooyadan iyo wiilkeeda ma sharciga ayey jebinayaan? Qareenno ayaa ka jawaabay, waxa dhici kara haddii aan ku noolaado kursi waddada dhankeeda ku sameysan? Gary Rycroft, oo ah sharci yaqaan ayaa yiri: Waa xadgudub haddii guri qof kale oo aan laguu fasixin ku noolaato."" Balse kursi dadweynaha ka dhexeeya, ma loo arki karaa hanti uu qof kale leeyahay? ""Markasta waxaa jiro qof leh dhulka. Haddii uu kursi dheer ku sameysto qof kale, waa in uu dareemo in dhulkaas uu xaq u leeyahay. Dhulka ka dhexeeya dadweynaha, wuxuu noqon karaa mid uu maamulka deegaanka leeyahay ama qeyb ka ah waddo dadweyne. Xeerarka hoyga. Lataliyahooda sharciga wuxuu yiri ma ahan""dembi ama ku xadgudub sharci in aad alaabtaada iyo qoyskaada geyso beer dadweyne ama kursi ku dhex yaalla. Sidoo kale in ad teendho ka dhisato waddada dhinaceeda ma ahan dembi laga galay Golaha Deegaanka - Waxaa dhici karta in uu jiro sharci gudaha ah oo taas mamnuuci kara"". Ilo ku dhow Golaha waxay sheegeen in xaasidnimo ay noqoneyso in qoyskan laga kexeeyo halkan. Hooyadan iyo wiilkeeda waxaa suuragl ah in si fudud ay u helaan kursi kale. Marka Golaha Deegaanka Wandsworth waxay raacayaan dhabaha dulqaadka in kastoo cashir ay ka barteen kursigii hore ee meeshii uu yaallay ay ka saareen. Hadda waan ogahay in aysan dooneyn in meeshooda laga kexeeyo, aysanna dhib ku ahayn sharciga. Waxaa jirto su'aal kale oo ah, Ma awoodaan in go'an iyaga u wanagsan ay gaaraan? Sida sharciga UK uu yahay, qofka maskaxdiisa ma shaqeyneyso haddii uusan raaci karin afartan arrin: Faham, xusuusasho, hadlid, iyo qiimeynta macluumaadka. Waxaan la hadlay laba dhinac oo kala duwan. Waxay sheegeen in qoyskan aanan lagu arak wax halis ah oo la xiriira xanuun dhanka maskaxda ah. Kursigan dadweynaha ka dhexeeyana waxay u arkaan sida guri ay iyagu leyihiin. Golaha deegaanka ee Wandsworth warqad ay xoogaa ka dib soo direen waxay ku sheegeen in hooyada iyo wiilkeeda, ""uu Goluhu siinayay meel ay degaan kuwaas oo la qalabeeyay, lana qurxiyay, oo ay ka mid tahay meeshii ay degganaan jireen, way diideen dhammaan xitaa iyagoo aan soo arag."" ""Dhowaan waxaan haynay guri iyaga loo diyaariyay, inagoo adeegsanayna kooxda arrimaha bulshada, waxaan isku deynay in aan ka dhaadhicino si ay u aqbalaan"". Waa is-mari waa. Wadahadalkii ugu dambeeyay ee aan la yeeshay wuxuu ahaa bishii February ee sannadkan. Hooyada way qosleysay iyadoo qoraxda fadhida, waxaana ka wada sheekeysanay cimilada wanaagsan. Waxaan weydiiyay in ay nolosha halkan ku faraxsan tahay. Wax u eg diidmo ayaa buuxiyay wejigeeda. Dhib miyaan geysanayaa? ayey tiri, kumana aysan hadlin English. Ka dibna waan is macsalameynay. Waxaan doonayay in xal loo helo waxa nolosha ah ee ay doonayaan, balse way sii adkaaneysay in la fahmo. Waxay u muuqdaan in ay ku faraxsan yihiin nolosha kursigan. Dhaqankoodu ma ahan mid bulshada dhib ku ah, maamulkana way aqbaleen in halkooda ay deganaadaan, iyo wax kasta oo bulshada deegaanka ay u diyaariyaan in ay noqoto in si wanagsan loola dhaqmo, loo naxariisto, loona dulqaato. Markii Golaha deegaanka uu meesha ka qaaday kursigii ay degganaayeen 2014-kii, waxay sheegeen in iyaga dartood ay u sameeyeen. Balse hadda waxay ogaadeen in midda ay doonayaan ay tahay in faraha looga qaado sida ay u nool yihiin. Waa xushmeynta go'aankooda. Haddii hooyada ama wiilkeeda ay aad u xanuunsadaan ama ay dhintaan, waxaa dhab ah in bulshada ay isku eedeynayaan in waxba ay u qaban waayeen. laakiin hadda taas waxay ku kooban tahay dadka meesha ku cusub oo keli ah oo la yaabaya bacda buluugg ah ee ay ku hoos jiraan." https://www.bbc.com/somali/war-50220977 +entertainment Fannaanad caan ah oo dhacdo aan la fileyn ku geeriyootay iyadoo masraxa toos uga heeseysa "Fannaanad u dhalatay waddanka Spain, oo qaadda heesaha loo yaqaanno pop-ka ayaa geeriyootay ka dib markii uu ku dhacay bulaleyr ku qarxay goob ay ka socotay munaasabad ay si toos ah uga heeseysay. Joana Sainz Garcia, oo 30 jir ah ayaa xilligaas ka qeyb galeysay bandhig ay sameynayeen kooxda ay ka tirsantahay oo lagu magacaabo Super Hollywood Orchestra. Xafladda musiibada isku baddashay ayaa ka dhaceysay meel u dhow magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain. Maalintii Axadda, Bulaleyr loogu tala galay masraxa ayaa ku qarxay meel u dhow halkii ay taagneyd fannaanadda, waxayna isla markiiba gashay koomo. Dhakhaatiirta gurmadka deg-degga ah ayaa durba isbitaalka ula cararay Ms Sainz, halkaasoo ay markii dmabe ku geeriyootay. Qiyaastii 1,000 ruux ayaa daawaneysay bandhigga ay fannaanadda ka heeseysay, oo ka socday magaalada Las Berlanas, oo dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Madrid. Muuqaal lagu shaaciyay baraha xiriirka bulshada ayaa muujinaya xaaladdii ka dhalatay bulaleyrka qarxay, ee sababay inay Ms Sainz dhulka ku dhacdo. Nin dhakhtar ah iyo kalkaaliso ayaa ka mid ahaa dadkii ku xoomay fannaanadda, ka hor inta aysan imaanin dhakhaatiirta gurmadka ah, sida ay shaacisay warbaahinta El Diario Montanes. Ms Sainz, oo kasoo jeedda magaalada Santander, ayaa lagu soo warramay inay ahayd shakhsiga ugu muhiimsan ee ku jiray kooxda Super Hollywood Orchestra. Kooxdaas ayaa ka kooban ilaa 15 ruux oo isugu jira, fannaaniin, abwaanno iyo ciyaartoyda qoob ka ciyaarka. Waxaa kooxdan la siiyay qandaraaska dhinaca fanka ee munaasabadda Las Berlanas, kaasoo loogu talagalay inuu socdo muddo 4 maalmood ah.. Hay'adda maalgalisa kooxdaas, oo lagu magacaabo Prones 1SL, ayaa warbaahinta El Norte de Castilla u sheegtay in dhacdadaas ""naxdinta leh"" ay sababtay tayo xumo dhinaca warshadeynta ah. Isidro Lopez, oo ah milkiilaha Prones 1SL ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in kooxdan ay munaasabado hore ugu isticmaaleen bulaleyrka, wax dhib ahna aysan kala kulmin. Bayaan lasoo dhigay Facebook-ga ayey hay'adda Prones 1SL ku tiri: ""Guud ahaan qoyska Prones, xulafadooda, fannaaniinta, saaxiibbada iyo taageerayaashuba waxay aad uga murugeysan yihiin geerida ku timid saaxiibaddii aan jecleyn ee Joana Sainz."" Dowladda hoose ee Las Berlanas, oo qorsheysay fantasyaha, ayaa sidoo kale Facebook-ga uga tacsiyeysay geerida fannaanadda." https://www.bbc.com/somali/war-49553873 +politics Ingiriiska oo sharci cusub ka soo saaraya magengelyo doonka "Xukuumadda Ingiriiska ayaa ka baaraan degaysa in aanay dalkeeda soo gelin dadka magangelyo doonka ahi ilaa inta codsiyadooda go'aan laga gaadhayo. Arintan ayaa qayb ka ah wax ka bedel ballaadhan oo lagu wado xeerarka socdaalka dalkaas ka dib markii Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub. London ayaa doonaysa in ay wax ka bedesho xeerarka socdaalka dadka tahriibka sharci darrada ah ku gala dalkaas ee isku daya in ay ka gudbaan badda English Channel ee u dhaxaysa Ingiriiska iyo Faransiiska iyaga oo doonaya in ay magangelyo helaan. Maxay tahay xerada lagu hayay tahriibayaal Soomaali ku jiraan ee bambooyinka lagu tuuray? Dayax gacmeedki dunida ugu awoodda badnaa oo tijaabadiisa lagu guuleystay Wasiirka arimaha gudaha, Priti Patel, ayaa ku tilmaantay xeerarka socdaalka ee haatan jiraa in ay ka muuqato ""mushkilad asaasi ahi"". Saddexdii bilood ee ugu horeeyey sannadkan ayaa in ka badan 650 qof ka gudbeen badda English Channel oo ay kaga tallaabeen doonyo yar yar oo ay ku gaadheen dhanka Ingiriiska, waana tiradii mudadaas oo kale sannadkii hore ka gudubtay laban laabkeed. Wargeyska Times ee dalkaa ka soo baxa ayaa sheegay in xukuumaddu dersayso sidii ay goobo lagu qaabilo dadka muhaajiriinta ah uga furi lahayd dhulka Ingiriisku xukumo ee dalka dibadiisa ku yaal sida jasiiradda Gibraltar oo kale. Arintaas ayaa se ku kaliftay maamulada dhulalkaa hoos yimaada Ingiriiska in ay qoraal ay kaga codsanayaan faahfaahin dheeraad ah u diraan xukuumadda Ingiriiska. Warqad uu badhsaabka Gibraltar u diray Priti Patel ayuu ku yidhi ""arintan la iga lama hadlin la iga lamana tashanin"". Wageyska Daily Mail ayaa ku waramay in ay ka mid yihiin waxa ka bedelkan xeerarka socdaalka in magangelyada loo diido dadka ka imanaya wadamada Ingiriisku u aqoonsan yahay kuwo ""nabdoon"". Mar hadii uu Brexit si buuxda u dhaqan galayna Ingiriisku kama mid ahaanayo heshiiska Dublin ee Midowga Yurub ee u sahlaya dalalka xubnaha ka ah in ay dadka magangelyo doonka ah ku celiyaan wadamadii hore ee ay Midowga Yurub ka soo galeen inta go'aan laga gaadhayo codsigooda. Marka hore ba Ingiriisku heshiiskaa wuu diidanaa oo dhawr goor ayuu codsaday in wax laga bedelo intii aanu ka bixin Midowga Yurub. Midowga Yurub qudhiisa ayaa mar hore iyaguna ka wada hadlay sida ay suurto gal u noqon karto in goobo lagu hayo dadka magangelyo doonka ah looga samayn lahaa woqooyiga Afrika. Wax ka ogow sababta ay aad ugu yaraadeen carruurtii ku dhalan jirtay Mareykanka iyo Yurub Wax ka ogow diyaaradaha drones-ka roobka ee Imaaraat-ka sameystay Australia ayaa se iyadu tan iyo sideetameeyadii qarnigii hore waxay xarumo ay dadka magangelyo doonka ah ku hayso inta go'aan laga gaadhayo codsigooda ka samaysay dalka dibadiisa." https://www.bbc.com/somali/56452991 +entertainment Prince Philip: Nin cajiib ahaa oo noloshiisuna ay cajiib ahayd "Wuxuu kasoo haray ku dhawaad dhammaan dadkii yaqaannay oo laga yaabi lahaa inay sharraxaad ka bixiyaan noloshiisa. Sidaas darteed waxaa noo soo haray oo kaliya labadiisa dhinac ee mid uu ahaa qof kaftan badan iyo mid uu ahaa qof sheegay hadallo siyaasadeed oo khaldan. Maadaama uu geeriyooday waxay dad badan dib u eegi doonaan noloshiisa. Sababtoo ah wuxuu ahaa nin cajiib ah oo noloshiisuna ay ahayd cajiib. Wuxuu noloshiisa inteedii badneyd kusoo qaatay qarnigii 20-aad ee lasoo maray isku dhacyada iyo jahawareerka badan. Wuxuu ahaa nin ay adag tahay in la fahmo, caqli badan, gudahana ka ahaa qof madaale ah. Hooyadiis iyo aabihiis waxay ku kulmeen aaskii Boqorad Victoria oo dhacay 1901. Xilligaas oo dalalka Yurub dhammaan marka laga reebo afar waddan ay boqortooyo ahaayeen, qaraabadiisu waxay ku kala firirsanaayeen boqortooyooyinka Yurub. Qaar ka mid ah boqortooyooyinkaas waxaa tirtiray Dagaalkii Koowaad ee Adduunka; laakiin dunidii uu ku dhashay Philip waxay ahayd mel ay wali boqortooyo caadi ka ahayd. Awowgiis wuxuu ahaa boqorkii Giriigga; hooyadiisna waxay ahayd gabadha ay ayeeyada u tahay Boqorad Victoria. Afartiisa walaalo ee gabdhaha ah oo ka wada weynaa waxaa dhammaantood guursaday rag Jarmal ah. Markii uu Philip u dagaallamayay ciidamada badda ee Britain, saddex ka mid ah gabdhaha walaalihiis ah waxay taageerayeen Naasigii Jarmalka; midna laguma casuumin guurkiisii. Markii nabadda la helay, dhaqaalihiina uu soo kabsaday, Philip wuxuu qayb ka noqday dib u dhiskii Britain, isagoo waddanka ku boorrinayay inuu la qabsado habab seyniska la xiriira, wuxuuna la yimid fikradaha warshadaha, qorsheynta, waxbarashada iyo tababarka. Wuxuu cashirro badan ka qaatay tobankii sano ee ugu horreysay noloshiisa kaddibna wuxuu kusii adkaaday iskuulka. Sannadihii ugu horreeyay noloshiisa waxaa ku taagnaa su'aalo badan, maadaama dalkii uu u dhashay laga soo eryay. Qoyskiisa waxay ku noolaayeen waddanka dibaddiisa, waligiisna ma uusan fursad u helin inuu la noolaado. Isagoo hal sano jira ayaay kala burbureen qoyskiisa, waxaana loo qaaday Talyaaniga kaddib markii aabihiis lagu xukumay ciqaab dhimasho ah. Mid ka mid ah safarradii ugu horreeyay ee caalami ah wuxuu Philip ku qaatay sagxadda tareen ka qaaday magaalo ku taalla Talyaaniga. Markii uu ku sugnaa magaalada Paris wuxuu la noolaa qoys ay qaraabo yihiin; balse halkaas uma aysan noqonin hoygiisa mustaqbalka. Hal sano uun kaddib, isagoo ku jira iskuul ku yaalla Britain, waxaa sii xumaaday xaaladda dhimirka ee hooyadiis oo magangalyo u joogtay halkaas. Aabihiis, Prince Andrew wuxuu aaday Monte Carlo si uu ula noolaado haweeney saaxiibaddiis ahyad. Gabdhihii walaalihiis ahaana waxaa lagu guursaday oo ay ku noolaayeen Jarmalka. Toban sano gudahood wuxuu ka gudbay darajadii ahayd Amiirka Grigiigga wuxuuna noqday wiil aan waxba ka war qabin oo hoy la'aan ah, cid xannaaneysana aan heysanin. ""Uma maleynayo inuu qofna ku fikiri jiray inaan aabbe leeyahay,"" ayuu mar yidhi isagoo la wareysanayo. Andrew wuxuu geeriyooday intii uu dagaalka socday. Philip wuxuu tagay magaalada Monte Carlo si uu uga soo qaato alaabtii aabbihiis kaddib markii Jarmalka laga saaray Faransiiska. Halkaas waxa uguma uusan tagin marka laga reebo dhowr sheey oo dhar ah. Kaddib waxaa la geeyay iskuul uu jecleystay casharrada nolosha ee uu ka qaatay, inkastoo wiilkiisa Charles uu marka dambe iskuulkaas aad u nacay. Mid ka mid ah mowduucyada ugu waaweyn ee ku saabsan noloshiisa waxaa ka mid ah in Amiirka Edinburgh carruurtiisa loo oggolaanin inay qaataan magaca qoyskiisa, Mountbatten Arrintaas ayaa laga yaabaa inay saameynta ugu badan ku yeelatay fikirka Philip ee nolosha iyo sida uu doonayay inay noqoto noloshiisa. Waxaa laga dheehanayay khudbadihii uu waayadii dambe jeediyay. Sidaasoo ay tahay, wuxuu kaalinta koowaad uga jiray ciidanka badda ee Britain, markii dmabena wuxuu ahaa qofka ugu muhiimsan boqortooyada, marka laga soo tago boqoradda. Shaqada ciidanka badda waxay xiriir qota dheer la lahayd qoyska Philip. Ayeeyadiis dhinaca hooyada ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee darajada ugu sarreysa ka gaaray ciidanka badda. Phlip markii hore wuxuu doonayay in uu ku biiro Ciidamada Cirka ee Boqortooyada laakiin qoyska hooyadiis ayaa lahaa dhaqan ku safridda badda ah sidaas awgeedna wuxuu tababar ka billaabay macadka ciidamada badda Britain ee Britannia Royal Naval, oo ku yaalla Dartmouth. Isagoo ku sugan Dartmouth sanadkii 1939-kii, xilli uu dagaalka aad usii xoogeystay, ciidanka badda ayuu ku hamminayay. Badda lafteeda ayuu jacayl u qaaday. ""Baddu waa wax aad jeclaan karto oo qayrul-caadi ah,"" ayuu yidhi mar. Markii uu boqro George VI booqday dugsiga tababarka ciidanka badda, isagoo uu wehlinayay Philip abtigiis, wuxuu waardiye uga dhigay gabadhiisa Princess Elizabeth. Sida laga soo xigtay goob jooge, Amiir Philib si wanaagsan ayuu uga soo baxay shaqadiisa. Laakiin kulankaas wuxuu aad u cajabiyay Amiirad Elizabeth oo ahayd 13 jir. Philip si dhakhso ah ayuu u caddeeyay in mustaqbalkiisa uu aad u wanaagsan yahay, wuxuuna heerka ugu sarreeya ka galay fasalkiisa bishii January ee sanadkii 1940-kii, wuxuuna markii ugu horreysay nasiib u yeeshay in uu ficil militari ku arko Badweynha Hindiya. Miyuu ogaa in aysan isku meel gali karin shaqadiisa iyo jacaylkiisa? Oo aysan suuragal ahayn in badda iyo haweeneyda quruxda badan uu isku wada helo? In muddo ah, arooskooda kaddib sanadkii 1978-kii, wuu isku heystay labadaba. Iyagoo aroos cusub ah ayay isla joogeen Jasiiradda Malta. Laakiin xanuunkii iyo dhimashadii xigtay ee Boqor George VI ayaa soo afjartay riyadiisii ahayd inuu isku haysto baddii uu jeclaa iyo xaaskiisa. Wuu ogaa sida ay xaaladdu noqoneysay islamarkii geerida loo soo sheegayba. Iyagoo ku sugan hoteel ku yaalla Kenya, xilli ay booqasho ku marayeen Afrika, ayuu Philip xaaskiisa Princess Elizabeth ku wargaliyay geerida aabbeheed, taasoo iyada ka dhigeysay boqoradda. Dunidiisii waxay isbaddashay maalintaas wixii ka dambeeyay. Qof saaxiib la ah ayaa goor dambe marxaladdaas ku qeexay in Amiir Philip uu u muuqday Qof dusha laga saaray ""kala bar ka mid ah adduunka"". lixdankii sano ee xigay ilaa hadda wuxuu garab taagnaa boqoradda oo uu taageero buuxda siinayay. Intii uu howlaha boqortooyada hayay wuxuu fuliyay boqollaal mashruuc oo diiradda lagu saarayay horumarka dhalinyarada iyo ciyaaraha kala duwan. Wuxuu sidoo kale ka qayb qaadanayay maamulka gudaha ee qoyska boqortooyada iyo qasrigooda. Amiir Philip, Amiirka Edinburgh, waxa uu ahaa nin fikirkiisu awood lahaa oo madaxbannaanaa, waxa uuna bartanka uga dhex jiray bulshada reer Britain. Waxa uu ahaa hoggaamiye dabiici ah oo doorkiisu uu mar walba ku khasbayay inuu qaato booska labaad; wuxuuna ahaa nin dabeecaddiisu ay adkeyd balse ku guuleystay in uu dadaal adag kaddib meel la fariisto waxyaabaha xasaasiga ahaa ee ku saabsanaa doorkiisa." https://www.bbc.com/somali/war-56696689 +business Haweeney ku deeqday lacag dhan 1.7 bilyan oo doollar MacKenzie Scott, xaaskii hore ee milkiilaha Amazon boss Jeff Bezos oo kamid ah haweenka ugu hantida badan caalamka ayaa sheegtay in tan iyo markii ay kala tageen iyada seygeeda ay bixisay lacag dhan 1.7 bilyan oo doollar oo kaalma ah. Lacagahan ayay sheegtay in ay ku bixisay arrimo ay kamid yihiin goobo waxbarasho, wax ka qabashada isbadelka cimilada iyo arrimaha caafimmaadka. Scott oo ah haweeneyda labaad ee ugu taajirsan caalmaka ayaa heysata hanti dhan 62 bilyan oo doollar, waxaana iyada iyo seygeeda ay kala tageen sanadkii hore. Jeff Bezos ayaa ah ninka ugu taajirsan caalamka xilligan la joogo oo waxaa hantidiisa lagu qiyaasay ku dhawaad 190 bilyan oo doollar. Haweeneydan ayaa waxay is-guursadeen Bezos kahor inta aanu asaasin Amazon, waxayna mar kamid ahayd shaqaalaha shirkadda Amazon, haseyeeshee markii ay kala tageen ayaa waxay heshay boqolkiiba afar hantida shirkadda. Waxyar kadib markii ay kala tageen Bezos, waxaa ay ku biirtay olole ballan qaad oo la sameynayay, kaas oo ay qeyb ka ahaayeen maalqabeeno sheegay in ay doonayaan in qeyb kamid ah hantidooda ay rabaan inay bixiyaan. Mr Bezos oo ah ninka ugu taajirsan adduunka ayaa muddooyinkii dambe la kulmayay dhaleceyn ah in uusan bulshada xoolaha uu ka tabcay aanu waxba ku celinin. Sanadkii 2018-ka, waxaa uu asaasay hey'ad gargaar oo xilligaas uu ugu deeqay lacag dhan 2 bilyan oo doollar, halka sanadkanna uu ballan qaaday in uu hantidiisa ka bixin doonaa 10 bilyan oo doollar oo wax looga qaban doonaa isbadelka cimilada iyo gaajada. Markii ninka dunida ugu taajirsan xaskiisa ay go'aansatay inay kala tagaan, waxay u ahayd guul dhaqaale oo ay gaartay, waxayna taasi sii kordhisay tirada haweenka ugu hantida badan caalamka. Haweeneydan ayaa markii ay dalbatay furriinka waxay heshay hanti dhan 35.6bn bilyan oo doollaar, waxayna taas keentay in ay kamid noqoto haweenka adduunka ugu taajirsan iyadoo aanan wax dhib ah u marin helidda hantidaas. Waxay sidoo kale noqotay qofka 24aad ee adduunka ugu taajirsan.Waxay dad badan ku tilmaamaan inay tahay haweeneyda ka macaashtay kala taga iyada iyo ninkeeda. 35.6 bilyan waa lacagta keliya ee ay ka heshay asaasaha shirkadda Amazon oo ay kala tageen, waxaase la qiyaasayaa in lacag intaas ka badan ay leedahay. Haweeneydan ayaa afar caruur ah u heysa madaxa shirkadda Amazon, waxayna aqal galeen sanadkii 1993. Lacagtan ay bixisay 12 kii bilood ee lasoo dhaafay ayaa timid xilli dunida ay la daala dhaceyso saameynta ka dhalatay waxyeelada cudurka corona. https://www.bbc.com/somali/53590777 +politics Dacwad lagu soo oogay dad u badan Soomaali oo dowladda Mareykanka lacag ka dhacay Dacwad oogeyaasha Mareykanka ayaa maxkamad la tiigsanaya 47 qof oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin fadeexaddii musuqmaasuq ee ugu weyneyd ee dhacday muddadii uu jiray cudurka Covid-19. Shakhsiyaad Soomaaliya kasoo jeeda, oo saldhiggoodu yahay Mareykanka balse xiriirro la leh dad ku sugan Kenya, ayaa ka mid ah dadka dacwadaha lagu soo oogay. Dadka la tuhunsan yahay ayaa loo heystaa inay si sharci darro ah ku qaateen lacag dhan $250m (£220m) oo qeyb ka ahayd dhaqaale ay dowladdu ugu talogashay in lagu quudiyo carruurta baahan inta uu socday safmarka Covid. Lacagtaas ayaa la sheegay in eedeysaneyaashu ay u isticmaaleen inay ku fushadaan danahooda gaarka ah, iyagoo ku iibsaday hanti isugu jirta gawaari iyo waxyaabo kale oo qaali ah. Booliska federaalka Mareykanka ayaa Talaadadii shaaciyay magacyada eedeysaneyaasha oo dhammaantood lala xiriiriyay haweeney lagu magacaabo Aimee Bock, oo ah aasaasaha iyo agaasimaha shirkad lagu magacaabo “Feeding Our Future”, oo ah hay’ad aan dhaqaale-doon ahayn oo ka qeyb qaadaneysay maalgelinta Barnaamijka ay dowladda federaalka Mareykanka ugu talogashay quudinta carruurta ee gobolka Minnesota. Haweeneyda la magacaabay ayaa dhankeeda sheegtay in aysan khalad sameynin. Qareen u doodaya Bock ayaa BBC-da ku yiri: “Laga soo billaabi maalintii ugu horreysay, waxaan mar walba muujineynay in aannaan wax dambi ah lahayn.” Christopher Wray, oo ah agaasimaha Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka (FBI), ayaa sheegay in arrintan oo ah “fal argagax leh” ay ahayd tii ugu weyneyd ee abid shaaca laga qaado. “Dacwadaha maanta la soo oogay waxay qeexayaan qorshe naxdin leh ee la maleegay si loo xado deeq-bixin dadweyne oo loogu talagalay carruur caawimaad u baahan, taas oo ka dhigan habkii ugu ballaarnaa abid ee lagu qiyaano gargaar loogu talagalay cudurka safmarka ah,” ayuu yiri Christopher Wray. Dadka la tuhunsan yahay ayaa lagu eedeeyay inay dalbadeen lacago lagu bixinayo raashin aan la siinin carruurta, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Waaxda Caddaaladda. Andrew M. Luger oo ah Dacwad-oogaha Degmada Minnesota ayaa yiri: “Tuhmaneyaashu waxay si qaldan u isticmaaleen barnaamij loogu talagalay in cunto nafaqo leh lagu siiyo carruurta u baahan intii uu jiray cudurka safmarka ah ee COVID-19. Taas beddelkeeda, waxay mudnaan siiyeen damacooda gaarka ah, iyagoo xaday in ka badan rubuc-bilyan doollar oo dhaqaalaha federaalka si ay ugu iibsadaan gawaari raaxo, guryo, agabka loo xirto in la isku qurxiyo iyo inay dibadda ka iibsadaan meelaha xeebaha ah ee lagu raaxeysto.” Lix dacwad oo lagu soo oogay dadkaas oo 47 qof ah waxaa ku jira bixin xog marin-habaabin ah, lacag dirid qiyaano ah, lacag isdaba-marin sharci-darro ah iyo laaluush. Qoraalka Waaxda Caddaaladda ee Degmada Minnesota waxaa lagu sheegay in eedeysaneyaasha ay dhaqaalaha mashruuca u adeegsadeen gaadiidka raaxada, dhismeyaal deegaan ah iyo kuwo ganacsi oo ku yaalla Minnesota iyo hanti ay ku sameysteen gobollada Ohio, Kentucky, guryo ku yaalla Kenya iyo Turkiga iyo inay ku bixiyeen safarro heer caalami ah. “Iyadoo la kaashanayo hay’adaha kala duwan ee dowladda, Waaxda Caddaaladda waxay sii wadi doontaa caddaalad hor-keenista kuwa cudurka safmarka ah uga faa’ideystay dano shakhsiyadeed ee xatooyada ku sameeyay canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka,” ayuu yiri Merrick B. Garland  oo ah Dacwad-oogaha guud ee Mareykanka. Minnesota waxa uu marti geliyaa soo-galooti badan oo ka tagay Bariga Afrika, kuwaasoo u badan dad ka tagay Soomaaliya iyo Itoobiya. Muxuu yahay barnaamijka lagacta laga xaday? Barnaamijka Quudinta Carruurta ee Federaalka oo ay maamusho Waaxda Beeraha ee Dowladda Mareykanka (USDA), waxaana dhaqaalihiisa loo bixiyaa qaab federaal ah si raashin bilaash ah loo siiyo carruurta u baahan. Intii uu jiray cudurka COVID-19, USDA waxay joojisay qaar ka tirsan shuruudihii ka qeybgalka barnaamijka, iyadoo oggolaatay in maqaayado faa’iido-doon ah iyo qeybo ka baxsan barnaamijyada waxbarashada ay qeyb ka noqon karaan. https://www.bbc.com/somali/articles/c723vjkep1no +health Dadka Corona laga tallaalay qof kale ma sii qaadsiin karaan? "Dalal badan oo caalamka ayaa bilaabay tallaalka feyraska corona, kaas oo la aaminsan yahay in uu dadka siinayo adkeysi difaaca jirka ah haddii uu ku dhaco feyraska corona. Tan iyo markii la bilaabay tallaalka, waxaa soo baxayay su'aalo badan oo ay kamid tahay in haddii qofka la tallaalo uu ku dhaco xanuunka uu sii qaadsiin karo qof kale. Balse khubaro arimaha caafimaadka oo u dhashay dalka Britain, ayaa sheegay in haddii qofka la tallaalo, xanuunkana uu ku dhaco uu sii qaadsiin karo dadka kale, sidaas darteedna dadka looga baahan yahay inay guryaha ku nagaadaan. Ku xigeenka madaxa caafimmaadka ee England, Prof Jonathan Van-Tam ayaa sheegay in dadka England looga baahan yahay inay taxadar sameeyaan. Mr Jonathan oo maqaal ku qoray wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalkaas, ayaa sheegay in cullimada seyniska ilaa iyo hadda aysan ogeyn sida uu tallaalka u xakameyn karo faafidda feyraska. Tallaalka ayuu sheegay in uu yahay ""rajo"" balse loo baahan yahay in heerka kiisaska hoos loo dhigo. Wasiirka caafimmaadk ee UK, Matt Hancock ayaa BBC-da u sheegay, in 75- boqolkiiba dadka ay da'doodu ka sareyso 80 la tallaalay. Dadkan ayaa labada jeer la kala siiyay labada nooc ee tallaalka ee kala ah Pfizer-BioNTech iyo tallaalka jaamacadda Oxford ee AstraZeneca. Mr Mat, ayaa sidoo kale sheegay in saddex meelood laba meel dadka ka shaqeeya goobaha dadka lagu xannaaneeyo la tallaalay, dhawaanna kuwa kale la tallaali doono. Wuxuu intaa raaciyay ""in tallaalka boqolkiiba boqol uusan damaanad qaadeynin waxtar buuxa"". ""Xitaa hadii aad qaadato labada nooc ee tallaalka, waxaa laga yaabaa in aad qof kale qaadsiiso xanuunka"", ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Inka badan 5.8 milyan oo qof oo ku nool Ingiriiska, ayaa helay wajiga koowaad ee tallaalka, sida ay sheegtay dowladda. Hey'adda caafimmaadk UK ee NHS ayaa sheegtay, in xarumo cusub oo laga bixiyo tallaalka laga furayo guud ahaan England, laga bilaaba maalinta isniinta. Xarumhan cusub oo gaaraya 32 ayaa ahmiyadda waxaa la siin doonaa shaqaalaha caafimmaadka, dadka ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo kuwa qaba xanuunada daran. Waxaa kale oo ay Britain sheegtay in dhawaan ay hirgelin doonaan xaruma kale oo gaaraya 49, 70 farmashiyo, kun xarumo caafimmaad iyo 250 isbitaal, kuwaas oo dhammaantood ay dadka ka qaadan doonaan tallaalka. Wasiirka koowaad ee Scotland, waxay sheegtay in inkabadan saddex meelood meel dadka ay da'doou ka sarreyso 80 ay qaateen wajiga koowaad ee tallaalka. Prof Van-Tam waxaa uu hoosta ka xariiqay baahida Britain ay u qabto ""in kiisaska hoos loo dhigo sida ugu dhakhsiyaha badan inta tallaalka la siinayo dadka nugul"". Sida laga ogaaday xogta dowladda, waxaa xaaladda aad u liidata ku sugan 4,076 oo qof, kuwaas oo isbitaalada Britain jiifa, ayna ku rakiban yihiin qalabka neefta dadka ka caawiya." https://www.bbc.com/somali/55787415 +religion Nin 'nabinnimo sheegtay' oo maxkamad dhexdeed lagu toogtay "Nin lagu eedeeyay inuu sheegtay nabinnimo ayaa toogasho lagu dilay isagoo ku jira gudaha maxkamad ku taalla dalka Pakistan, xilli uu dhageysiga dacwaddiisa ka socday magaalada waqooyi ee Peshawar. Waxaa kiis maxkamadeed lagu soo oogay markii sida la sheegay uu isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay nabi. Sheegashada nabinimada iyo aflagaaddada loo geysto diinta Islaamka ayaa dalka Pakistan waxaa ciqaabteeda ay ka noqon kartaa dil. Inkastoo wali aysan jirin cid ay dowladda u toogatay arrimahaas, haddana waxaa marar badan ay horseedaan inuu dhaco qalalaase iyo weerar. Ninka la dilay, oo lagu magacaabi jiray Tahir Ahmad Naseem, ayaa sanadkii 2018-kii lagu soo eedeeyay inuu nabinimada sheegtay, waxaana eedeyntaas soo gudbiyay qof dhowr iyo toban jir ah. Subaxnimadii saaka, oo Arbaco ah ayaa la dilay isagoo garsooraha hor taagan. Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa meydkiisa oo saaran mid ka mid ah kuraasta maxkamadda. Ninka weerarka dilka ah fuliyay ayaa durbadiiba lagu xiray goobta. Muuqaal kale ayaa laga soo duubay isagoo gacmaha ka xiran, oo ku qeylinaya ninka uu dilay, isagoo ku tilmaamaya ""cadowga Islaamka"". Mr Naseem waxaa markii ugu horreysay eedeeyay wiil lagu magacaabo Awais Malik, oo arday ka ah madaraso ku taalla magaalada Peshawar. Sida lagu sheegay eedeynta, Mr Naseem ayaa wiilkaas khadka internet-ka kula hadlay isagoo ku nool waddanka Mareykanka. Mr Malik, ayaa BBC-da u sheegay inuu markii dambe Mr Naseem kula kulmay dukaan ku yaalla magaalada Peshawar, si uu ugala sheekeysto waxa uu ka aaminsan yahay diinta, kaddibna uu booliska ku dacweeyay. Wuxuu intaas ku daray in uusan maanta goob joog ka ahayn maxkamadda, wax war ahna uusan ka heynin toogashada dhacday. Ninka dilka geystay ayaa magaciisa lagu soo koobay Khaalid. Wali ma cadda sida ay ugu suurtagashay inuu maxkamadda dhexdeeda la galo hub. Mr Naseem wuxuu ku dhashay dariiqada diimeed ee loo yaqaanno Axmadiya, oo looga dhaqmo meelo ka mid ah Pakistan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ururka bulshada. Laakiin wuxuu intaas ku daray inuu ka baxay dariiqadaas, uuna sheegay inuu nabi yahay. Hoggaamiyaha bulshada ayaa xusay in Mr Naseem uu ahaa qof maskaxda looga jiro. Dadka u dooda xuquuqqda aadanaha ayaa sheegay in gacanta birta ah ee lagu qabto dadka ku xad gudba diinta ay saameyso oo kaliya dadka kasoo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay, lana dhiirrigaliyo weerarrada loo geysto dadkaas. Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, tobannaan qof oo lagu eedeeyay arrimahaas ayaa lagu dilay kacdoon ay dad shacab ah sameeyeen. Dhinaca kale, hadda waxaa baraha bulshada ee dalka Pakistan si weyn loogu hadal hayaa qof Twitter-ka isticmaala oo lagu eedeeyay inuu nabinnimo sheegtay. Dad badan ayaa u gooddinaya qofkaas. Hase yeeshee, dad u cabsi qaba nabadgalyadiisa ayaa isku dayaya inay ka hor tagaan eedeymaha loo jeedinayo." https://www.bbc.com/somali/war-53586799 +politics Doorashada Mareykanka 2020: Maxay tahay haweeneyda ka dambeysa guusha la yaabka leh ee Biden? "Kamala Harris ayaa taariikhda gali doonta marka bisha January ay noqotay madaxwayne ku xigeenka Mareykanka - balse waxa jirta haweeney kale oo door muhiim ka qaadatay, gacanna ka geystay in Aqalka cad ay ku guulaystaan Biden iyo Harris. Iyada oo u dabaal dageysa guusha ay iyada iyo Joe Biden, ka gaareen doorashada, haweeneydii ugu horeysay ee madaxwaya ku xigeenka ka noqota Mareykanka, islamarkana ka soo jeeda qoys madow iyo Eeshiyaan ah, waxaa haddana jira dad ay u aqoonsanayso in ay gacan ka geysteen ololaheeda guuleystay. Waxay si gaar ah farta ugu fiiqaysaa dumarka ka soo jeeda bulshooyiinka laga tirada badan yahay. Sanatar Harris ayaa qirtay in haweenka ka soo jeeda dadka laga tirada badan yahay ee si joogta ah loo ""gacan-bidxeeyo, balse waxay muujiyeen inay laf-dhabar u yihiin dumuqraadiyadeena"". Dhammaan qoyska Hunt way wada ilmeeyeen markii gurigooda oo ku yaalla magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, ku daawanayeen Khudbaddii ay jeedisay Harris. ""Georgia waa buluug imika, taas oo gobolka iyo shacabka u ah isbadal, gaar ahaan dadka madowga ah ee ku dhaqan,"" ayay tiri, Kristin Hunt oo 27 sano jir ah. ""Waxaa arrintan sabab u ah Stacey Abrams iyo haween badan oo kale oo madow ah, kuwaasi oo is abaabulay, waxayna sameeyeen ururo doorashada u diiwaangaliya una muujiya in codkoodu uu micno sameynayo."" Waddada uu Aqalka Cad u marayo Joe Biden, waxaa muhiim u ahaa in uu helo taageerada dadka madowga ah ee Mareykanka. Codbixiyayaasha Madowga ah ayaa keenay guushii doorashadii is-reereebkii ee xisbiga Dimuqraadiga, taasi oo u saamaxday in uu helo taageerada xisbiga sidaasina uu jagada madaxwaynanimada ugu tartamo. Biden wuxuu si wayn taageero uga helay dadka madowga ah oo codadkooda siiyay. Waxaa uu codad badan ka helay gobolka Pennsylvania - wuxuu sidoo kale taageero xooggan ka helay dadka madowga ah ee ku nool magaaloyiinka Philadelphia iyo Pittsburgh. Qiyaastii 10 qof oo madow ah, 9 ka mid ah waxay u cadeeyeen xisbiga Dimuqraadiga, sida lagu sheegay ra'yi uruurin la sameeyay, inkastoo Trump qudhiisa uu qeybtiisa ka helay codadka dadka madowga ah taasi oo ka badnayd intii uu ka helay 2016-kii. Balse marka dadka ku nool magaalooyiinkan aad weydiiso cidda Biden ka caawisay in uu doorashada ku guuleysto, waxay abaalka siinayaan haweenka madowga ah. Haweenka sida Kruzshander Scott, oo ahayd qofka qabanqaabiyay in dadka magaalooyiinka Jacksonville iyo Florida ay codeeyaan, ayaa BBC u sheegtay in loo jeediyay hanjabaad iyo in toddobaadyadii ugu dambeeyay ee doorashada la siiyay ilaalo dheeraad ah, iyada oo ka shaqeynaysay in codbixiyayaasha bulshada aan caddaanka ahayn ay doorashada u soo baxaan. Brittany Smalls, oo ah haweeney abaabulaysay codbixiyayaasha Philadelphia, ayaa sheegtay in nafteeda ay u hurtay in ay barto ayna xoojiso codbixiyayaasha deegaankeeda iyadoo og in codkooda uu isbadal keeni karo. Dhanka gobolka Georgia, waxaa aad loo amaanay Stacey Abrams oo noqtay qof ka dhex muuqday xisbiga Dimuqraadiga. Linda Grant, oo korjooge u ahayd xisbigeeda, xilligii doorashadan, ayaa sheegtay in Ms Abrams mahgaceeda uu noqday midkii muuqday, waxaana lagu tilmaamay qofkii ficilka sameeyay in ay tahay taasi oo ah ""in shaqada la qabto."" Balse Dimuqraadiyiinta gobolka Georgia ayaa rajeynayay in mar ay ugu yeeraan Ms Abrams jago kale, sida Barasaab. Sannadkii 2018, waxay dhigtay taariikh ka dib markii ay noqtay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah oo u tartanta xilka barasaab ee gobolkaas ee Mareykanka. Waxaa xilligaas xilka Barasaabka Georgia kula tartamayay Brian Kemp oo ka socday xisbiga Jamhuriga. Muddadii 6 sano ahayd ee uu xilka hayay, Mr Kemp wuxuu waxba kama jiraan ka soo qaaday oo uu meesha ka saaray inkabadan 1 milyan oo ah codbixiyayaashii ka diiwaangashanaa gobolka Georgia, ka dib markii uu sheegay in khaladaad ay ku jiraan. Stacey Abrams, ayaa cabasho ka muujisay arrintaas, waxayna u arkeysay in ay tahay gacan-bidxeyn. Stacey ka dib markii ay ku guuleysan wayday doorashadii, waxay bilawday in ay u ololeyso in dadka gobolka ay is diiwaangaliyaan si ay codkooda u dhiibtaan. Ka hor doorashadii 2020, Stacey Abrams, iyo ururo kale oo isku xiran, waxay gobolka Georgia oo keli ah ay ka diiwaangaliyeen inkabadan 800,000 oo codbixiyayaal ah. Inkastoo dib loo tirin doono codadka, hadana waxaa Stacey Abrams iyo dadka kale ee is xilqaamay lagu ammaanay in xisbiga Dimuqraadiga ay gacan ka siiyeen in uu hoggaamiyo codadka tartanka madaxwaynanimada ee gobolka Georgia, markii ugu horreysay muddo 20 sano ah. Haddii taageerayaasha Dimuqraadiga ee gobolka Georgia ay Biden gacan ka siiyeen guusha uu doorashada ka gaaray, taasi waxay micnaheedu tahay in Stacey iyo dadkii kale ee is xilqaamay ay deen mahadnaq ah ku leeyihiin. Stacey waxay gacan wayn ka geysatay abaabulka dadka gobolka si ay u xaqiijiso in Biden uu guuleysto. Kristin eedadeed oo lagu magacaabo Teresa Wilson, ayaa sheegeya in dadaalka Ms Abrams uu wax badan ka badali doono fikirka iyo sida ay u arkaan awoodooda dadka madowga ah ee ku nool gobolka. ""Inta ay dibadda aado oo ay boorar dhajiso ayna xaqiijiso in dhammaan dadkan la diiwaangaliyo, ayaa isbadal ku keenay gobolka Georgia iyo guud ahaan qaranka,"" ayay tiri. ""Waxaan u maleynayaa in nala dhayalsado doorasho kasta, balse imika Mareykanka iyo guud ahaan caalamka ayaa noo arka in codkeena uu micno ku fadhiyo.""" https://www.bbc.com/somali/war-54899414 +entertainment Muxuu ku saabsan yahay filimka Afsoomaaliga ah ee lagu daawanayo shaneemooyinka caalamka Samaynta Filimada Af-Soomaaliga ah ayaa qayb ka ah wacyi galinta qaybaha kala duwan ee bulshada, muddooyinkii danbe waxaa aad u yaraaday soo saarista Riwaaydaha masrixiyada ah, kuwaas oo si wayn loo daawan jiray xilligii dawladii Kacaanka, arrinkan oo dad badan oo Soomali ah ay u arkaan in ay tahay gaabis ku yimid Abwaaniintii allifi jiray oo meesha ka baxay. Waxa jira dhalinyaro isu xilqaamay in ay waqti badan iyo xaalad adag ku sameeyaan muqaallo kookooban oo ay ku baahiyaan baraha bulshada. Dalka UK waxaa laga daawanayaa Film cusub oo Af-Soomaali ah oo loo bixiyey ISFAHAN, filimkan waxaa matalaya Jilayaal Soomaali ah, ''Inta aanan samayn Filimkan waxaan raadinayay habka ugu fudud ee aan ku gaari karno bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, waayo waayihii hore waxaa wax laysugu gudbin jiray habka Gabayada, waxan ogaannay in dhalinyaradeenu ay ku xiran yihiin daawashada Filimada, haddaan u soo noqdo magaca ISFAHAN, noloshu waxay u baahan tahay in la fahmo, xiirirka dhinac walba oo nolosha ah, markaas ayaa wax fican la samayn karaa'' sidaas waxa BBC-da u sheegay Cadinaasir Cirro oo ah soo saaraha Filimka cusub ee ISFAHAN. Jilayaasha filimkan dhammaantood waa dhalinyaro Soomaaliyeed oo leh xirfadda Jilitaanka, ''Dhamaan dhalinyaradan waxay barteen aqoonta jilista, Cabdinaasir Cirro ayaa yiri,''markii hore way nagu adkayd balse markii danbe waan ku gulaysannay.'' Filimkan ISFAHAN waxaa gacanta lagu hayay oo la diyaarinayay muddo gaaraysa saddex sanadood, waxaa filimka intiisa badan lagu dhigay wadamada Scandenivianka haddaba maxay tahay sababta loo doortay in filimkan inta badan lagu diyaariyo Sweden, ''Magaalooyin fara badan ayaan ku duubnay oo Yurub ah, filim sameeyaha ayaa sheegay ''waxan daganahay London, maadaama dhaliyarada Filimka Jilaysa ayaa u badan Scandinavian, waxaan doorannay inta badan in aan ku dhigno magaalada Verstros Sweden,halka qaybo kale aan ku samaynay,magaalooyinka Stokholm, Malmo, Rotterdam iyo Amistardam oo aanu ka heleynay waxa aanu u baahannahay'' Majirto shirkado Soomaaliyeed oo waqtigan sameeyo Filimada sida wakaaladdii Filimada Soomaaliya oo aan shaqeyn, ISFAHAN wuxuu qaatay in kabadan 3 sano, muddadi lagu gudo jiray samayntiisa balse waqtigan waxa laga daawan doonaa shaashadaha wax lagu daawado ee waddamo badan oo caalamka ah, ''Waxaa noo qorshaysan furitaanka koowaad in aan ka billowno London, in aan shineemooyin ka dhigno, kabacdina waxaan rabnaa meel walba oo ay Soomaali joogto in aanu ka dhigno si ay u arkaan oo ay u daawadaan si fikirkooda ay noola wadaagaan, ilaa waddankii ayaan u soconaa'' sidaas waxa BBC-da u sheegay Cabdinaasir Cirro oo ah soo saaraha Filimka cusub ee ISFAHAN. https://www.bbc.com/somali/war-48689516 +politics Trump xilka malaga qaadi karaa maalmaha u harsan? "Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa xafiiska uga harsan wax ka yar labo isbuuc, laakiin xildhibaannada Dimuqraaddiga waxay dalbanayaan in xil ka laga xayuubiyo kaddib markii taageerayaashiisu ay Arbacadii weerareen xarunta US Capitol ee saldhigga u ah Golaha Wakiillada Wareykanka. Waxay warqad u direen madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence, iyagoo ku boorriyay in uu tallaabo u qaado sidii xilka looga qaadi lahaa Donald Trump, maadaama sida ay shegeen uu madaxweynuhu ""carqaladeeyay hannaanka dimuqraaddiyadda Mareykanka"". Waxaa hadda laga wada hadlayaa adeegsiga isbaddalkii 25-aad ee lagu sameeyay Dastuurksa Mareykanka, kaasoo oggolaanaya in awoodda laga qaado madaxweynaha laguna wareejiyo madaxweyne ku xigeenka, si ku meel gaar ah ama si buuxda midkood. Wax ka baddalka Dastuurka Mareykanka ee 25-aad wuxuu fasaxayaa in madaxweyne ku xigeenku uu noqdo ku simaha madaxweynaha marka uusan Madaxweynuhu sii wadi karin xilka iyo waajibaadka, haddii tusaale ahaan qofka madaxweynaha ah ay soo wajahaan xanuunno dhinaca dhimirka ah. Qodobka dastuurka ee xoogga la saari doono wuxuu dhigayaa in madaxweyne ku xigeenka iyo inta badan golaha wasiirradu ay isku raacaan in madaxweynaha uusan sii gudan karin waajibaadkiisa. Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wasiirradu waxay markaas u baahnaan doonaan in ay warqado u diraan afhayeennada Congress-ka iyo Senate-ka, haddii codsigooda la ansixiyana wuxuu Mike Pence si rasmi ah u noqonayaa madaxweynaha Ku Meel Gaarka ah. Madaxweynaha qudhiisu wuxuu heystaa fursad uu ku qoro warqad jawaab ah, haddii uu dood qabana waxay arrintu tageysaa in ay go'aan soo saaraan golaha wakiillada ee Congress-ka. Haddii ay Congress-ka iyo Senate-ka cod u qaadayaan soo saariska go'aan waxay u baahan yihiin cidad gaaraya saddex meelood labo meel. Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka ayaa canbaareeyay qalalaasihii ka dhacay magaalada Washington kaddib markii taageerayaasha madaxweyne Donald Trump ay weerar ku qaadeen xarunta Capitol ee fariisinka u ah dowladda Mareykanka. Rabshadaha ayaa kallifay in la hakiyo kulan uu golaha wakiillada ka lahaa ansixinta guushii Joe Biden. Madax faro badan ayaa ku baaqay in si nabad iyo kala dambeyn leh loo sameeyo xil-wareejinta, iyagoo wixii dhacay ku tilmaamay ""argagax"" iyo ""weerar ka dhan ah dimuqraaddiyadda"". Ra'iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa canbaareeyay waxa dhacay oo uu ku tilmaamay ""dhacdooyin sharafdarro ah"". ""Mareykanku wuxuu u taagan yahay dimuqraaddiyadda aaduunka oo dhan haddana waa khasab in si nabadgalyo ah oo kaladameyn leh ay u dhacdo xil wareejinta,"" ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka. Siyaasiyiin kale oo reer UK ah ayaa ku taageeray canbaareynta qalalaasihii dhacay, hoggaamiyaha mucaaradka UK Sir Keir Starmer, ayaana falkii ka dhacay Capitol ku tilmaamay ""weerar toos ah oo lagu qaaday dimuqraaddiyadda"". Wasiirka Arrimaha Gudaha ee UK, Priti Patel, ayaa BBC-da u sheegtay in hadalladii Mr Trump ""ay si toos ah u sababeen"" in taageerayaashiisu ay weerar ku qaadaan Golaha Wakiillada iyo in ay isku dhacaan iyaga iyo booliska. Wasiirka koowaad ee Scotland, Nicola Sturgeon, ayaa isagana Twitter-ka ku sheegay in dhacdooyinkii laga sameeyay Xarunta Capitol ee Mareykanka ay ahaayeen ""kuwo laga argagaxo"". Dalka Jarmalkana, hoggaamiyaha waddankaas, Angela Merkel, ayaa sheegtay in dadkii duullaanka ku qaaday xarunta sharcidajinta ee Mareykanka ay ahaayeen ""kuwo sameeyay weerar iyo rabshado"" iyaduna ay dareentay ""caro iyo murugo"" kaddib markii ay aragtay muuqaallada laga soo duubay goobta. Shir ay ka qeyb gashay ayey ka tidhi: ""Waxaan ka qoomameynayaa in Madaxweyne Trump uusan wali qiranin in laga adkaaday, laakiin uu ilaa hadda muujinayo shaki ku aaddan natiijadii doorashada."" Dhinaca kale, Shiinaha ayaa isku dayay in uu isbarbar dhig ku sameeyo dadkii rabshadaha ka sameeyay Mareykanka ee gudaha u galay xarunta Golaha Wakiillada iyo kuwii dimuqraaddi doonka ahaa ee sanadkii hore weerarka ku qaaday xarunta sharcidajinta ee Hong Kong. Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, oo lagu magacaabo Hua Chunying, ayaa sheegay in dhacdooyinkii Hong Kong ay ""ka xumaayeen"" kuwii ka dhacay Washington, laakiin ""uusan ku dhimanin hal qof oo mudaharaade ah"". Isbarbardhigga labada dhacdo uu ku sameeyay Shiinaha ayaa ka careysiisay dadka u ololeeya dimuqraaddiyadda ee Hong Kong. Hoggaamiyeyaal badan oo reer Yurub ah ayaa sidoo kale canbaareeyay dhacdooyinkaas. Ra'iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa yidhi: ""Waxaan kalsooni ku qabaa awoodda dimuqraaddiyadda Mareykanka. Madaxweynenimada cusub ee Joe Biden waxay ka adkaan doontaa caqabadaha jira, waxayna mideyn doontaa shacabka Mareykanka."" Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa isaguna muuqaal uu soo dhigay Twitter-ka ku yidhi: ""Markii mid ka mid ah waddamada ugu waaweyn ee dimuqraaddiga ah ay taageerayaasha madaxweyne xilka ka dagaya isku dayaan in ay loollan galiyaan sharciga iyo natiijada saxda ah ee doorashada, waxaa la wiiqay fikradda ku saabsan doorashada qof iyo codka ah."" ""Wixii maanta ka dhacay Washington DC ma aha astaanta Mareykanka. Waan aaminsan nahay awoodda ay leedahay dimuqraaddiyaddeenna. Waan aaminsan nahay awoodda dimuqraaddiyadda Mareykanka,"" ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Ra'iisul Wasaaraha Sweden, Stefan Lofven, ayaa dhacdadaas ku tilmaamay ""mid walwal leh"" wuxuuna sheegay in ay ahayd ""weerar lala beegsaday dimuqraaddiyadda"". Hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa iyaguna caddeeyay mowqifkooda ku aaddan arrintan. Madaxa Golaha Yurub, Charles Michel, ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in Mareykanka ""ay ka dhici doonto xil-wareejin nabad ah"". Xog hayaha guud ee isbahaysiga Nato, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay in natiijada doorashada Mareykanka ay tahay ""in la qaddariyo"". Sidoo kale, Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa sheegay in uu aad uga ""naxay"" wixii ka dhacay Mareykanka, sida shaaciyay afhayeenkiisa. Ra'iisul Wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern, ayaa iyaduna barteeda Twitter-ka kuwoo qortay in shacabka ay xaq u leeyihiin inay codkooda ku doortaan qofkii ay rabaan, taasna aan lagu baddali karin rabshado. Dhanka kale Ra'iisul Wasaaraha Australia, Scott Morrison, oo ka mid ah xulafada Mareykanka, ayaa canbaareeyay waxa uu ugu yeeray ""dhacdoouinka walwalka leh"", wuxuuna sheegay in uu sugayo xil wareejin nabad ah oo ka dhacda Mareykanka. Ra'iisul Wasaaraha Waddanka Hindiya, oo ah dalka ay dimuqraaddiyadda ugu ballaaran ka jirto ee caalamka, Narendra Modi - oo ku naalloonayay xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump - ayaa sheegay in uu ka ""Walbahaaray qalalaasihii ka dhacay"" xarunta Capitol ee magaalada Washington. Turkiga, oo ay Mareykanka xulafo ku yihiin Nato ayaa isagana ku baaqay in la xalliyo xiisadda. Dowladda Venezuela, oo Mareykanku uusan aqoonsaneyn, ayaa arrinta dhacday ku tilmaantay mid la mid ah ""waxyaabaha uu Mareykanka ka abuuray waddamada kale"". Madaxweynaha Argenitian, Alberto Fernández iyo dhiggiisa dalka Chile,Sebastián Piñera, ayaa labaduba waxay canbaareeyeen wixii ka dhacay Washington. Dalalka kale ee madaxdoodu ay nasiib darro ku tilmaameen dhacdadadii Arbacadii waxaa ka mid ah Fiji iyo Singapore." https://www.bbc.com/somali/war-55575024 +entertainment Jiir abaalmarin dahab ah ku guuleystay oo shaqadiisa howlgab ka noqday "Magawa oo ah magaca jiirka, oo hore geesinnimadiisa ugu muteystay abaalmarin dahab ah, ayaa howlgab ka noqonaya shaqadiisa miino baarista. Muddo shan sano ah oo uu howshan hayay, ayuu doolligan wuxuu uriyay 71 miino iyo dhowr waxyaabo aan qarxin ah, howshan oo uu ka fuliyay dalka Cambodia. Balse haweeneyda gacanta ku heysa oo lagu magacaabo Malen ayaa sheegtay in jiirkan oo toddoba sano jir ah kana soo jeeda qaaradda Afrika ay da'du ka daba timid, waxayna dooneysaa in ""la tixgeliyo baahiyihiisa"". Waxaa loo maleynayaa in ilaa lix milyan oo miino ah ay ku jiraan dalkaasi ku yaalla Koofur Bari qaaradda Aasiya. Magawa waxaa tababaray hay'dda Apopo oo Biljamka ka diwaan gashan, saldhiggeeduna yahay Tanzania waxayna u tababareysay xayawaannada sida loo baaro miinooyinka tan iyo sanadihii 1990-meeyadii. Xayawaannada ayaa waxaa la siiyaa shahaado kaddib sanad tababar ah. Toddobaadkii la soo dhaafay, Apopo ayaa sheegay in jiirkan yaryar ay qiimeyn ku sameysay Xarunta Miinooyinka Cambodia (CMAC) kaddibna ay imtixaanka ka gudbeen. Magawa, ayay xaruntu sheegtay inuu muddo toddobaadyo ah sii tababarayo xayawaannada kale si uu uga caawiyo inay shaqada la qabsadaan. ""Howlkarnimada Magawa waxay ahayd mid muuqata, waxaana ku faanayaa inaan la shaqeynayay,"" ayay tiri Malen. ""Wuu yar yahay balse wuxuu gacan ka geystay badbaadinta dad badan taas oo naga caawisay in dhul aad loogu baahnaa aan isagoo ammaan ah dib ugu celinno dadkeenna."" Bishii September, Magawa waxaa la siiyay abaalmarinta Dahabka ee PDSA, isagoo lagu ammaanay nolosha dadka ee uu badbaadinayo. Waa jiirkii ugu horreeyay ee la siiyo abaalmarinta, muddada 77-ka sano ah ee ay hay'addu jirto. Jiirkan miisaankiisu waa 1.2kg (2.6lb) dhererkiisuna waa 70cm (28in). Inkastoo uu ka miisaan iyo dherer badan yahay jiirka kale, Magawa weli wuu yar yahay waana khafiif oo ma cusleynayo haddii uu ku istaago miinooyinka. Jiirka waxaa loo tababaraa inay uriyaan maaddo kiimiko ah oo ku dhex jirta walxaha qarxa, taas oo micnaheedu yahay inay iska indho tiraan biraha kale ayna miinooyinka u baaraan si degdeg ah.. Marka ay helaan walxo qarxa waxay salaaxaan korka halka ay ku duugan yihiin si ay u wargeliyaan dadka la shaqeynaya. Magawa wuxuu awoodaa in dhul ballaaran uu ku baaro muddo 20 daqiiqo gudahood ah - taas oo ay Apopo ku sheegtay in qofka miino baaraha ah ay ku qaadan lahayd hal maalin ilaa afar maalmood." https://www.bbc.com/somali/war-57362199 +entertainment Sirta iyo Kalgaceylka: Basaasiintii jacaylka ku badeshay siraha qarankooda "Shabakadda basaasiinta Portland ayaa ka mid waxyaabihii soo ifbaxay ee caanka ahaa xilliggii Dagaalkii Qaboobaa, waxay xadeen xogta nukliyeerka teknooloojiyadda ee badda Britain kuwaas u dusiyay maamulkii Soviet-ka. Dadka sida weyn loogu xusay sheekadan waa Harry Houghton iyo Ethel Gee oo uu dhexmaray xiriir jaceyl kuwaas oo la sheegay inay xadeen xogta ciidamadda badda ee Britain. Harry Houghton, oo ka tirsanaa shabakad si qarsoodi ah ula socota sameynta hubka ayaa markii dambe la xiray in ka badan afar jeer bishii Janauary ee sanadkii 1961 isaga iyo xubno ka tirsan shabakad sirdoon oo la yiraahdo Portland. Waxaana la sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay sirta u gudbin jireen sarkaal ka tirsanaan jiray laantii hore ee sirddoonka Ruushka KGB kaas oo lagu magacaabo Gordon Lonsdale. Houghton iyo xaaskiisa Gee waxaa labadooduba lagu helay dambi ah inay waxay basaasayeen, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah. Wareysi lala yeeshay Ethel Gee, sanadkii 1961-kii, waxay sheegtay inay laga shakiyay 8 sano ka hor markii seygeeda uu bilaabay safar joogto ah in uu ku yimaado magaalada London. Waxay sheegtay in mar qaaday bashkhad ay lacag ku jirtay uu isagu lahaa, waxay daadisay lacagtii, waxay markii soo uruurineysay lacagta ay ku dhex aragtay warqado ay ku qoran yihiin 'sirta xooggan' Markii ay wax ka weydisay Houghton kamirada yar ee ku dhex qariyay guriga ay sheegtay in uu xanaaqay. Ethel Gee waxay isku dayday inay la xiriito dadkii uu la shaqeyn jiray ee madaxda u ahaa sanadkii 1956 in seygeeda uu macluumaad sir ah u gudbinayay dad aysan habbooneyn in loo gudbiyo. Farrinteeda wuxuu gaaray laanta sirdoonka Ingiriiska ee UK MI5 balse waxbo kama aysan soo qaadin. Waxay ogaadeen in Houghton ay kala tageen xaaskiisa isla markaana xaaskiisa Gee ay bunbuniso eedeymo ka dhan ah isaga. Mid kamid ah saraakiisha ayaa sheegay in sheekada ay u muuqato inay ka dambeyso maseyr iyo muran ay waddo xaaska. Wuxuu fadhigiisu ahaa safaaradda Ingiriiska ee Warsaw ee Poland sanadkii 1952-waana xilliggii uu bilaabay xog sir ah uu ka iibiyo sirdoonkii Poland. Sarkaal sare oo Faransiis ah oo loo heysto basaasnimo Shimbir looga shakiyey basaasnimo oo xabsi la dhigay Shimbir Hindiya basaasnimo u qabatay oo Pakistan laga yeeshay Waxay usoo marsiin jireen sirdoonkii Ruushka ee KGB marka uu kusoo laabto Ingiriiska. Markii la dhageystay dacwadda Houghton, E.M Furnival Jones oo ka tirsanaa MI5 ayaa sheegay inay baareen war horey soo gaaray oo ku saabsan arrintani. ""Haddii ay jiri laheyd fursad aan ku ogaaneyno macluumaad ku saabsan inay maamuli jireen koox sirdoon ah...waxay aheyd in aan joojinno warka laisku dusinayay...afar sano ka hor"" Sirdoonka Ingiriiska ayaa iska dhaga tiray macluumaad ku saabsan 'baasasnimadii' ugu weyneyd ee lasoo tebiyay xilliggi dagaalkii qaboobaa taas oo uu sheegay inay ka timid haweeney maseyrsan oo laga tagey, sida lagu sheegay xog ay sanadkii 2019-ka soo bandhigeen sirdoonka MI5." https://www.bbc.com/somali/57483231 +business Haweeney lagala noqonayo guri ay ku iibsatay $20 malyan oo doolar Haweney sharrixi weysay halka ay ka keentay lacag £16 malyan oo gini ah, oo u dhiganta $20 malyan oo doolar, taasoo ay guri weyn uga iibsatay magaalada London, ayaa ku guul dareysatay racfaan ay ka qaadatay go'aan ay dowladda ugala noqotay gurigaas. Maxkamadda Racfaanka ayaa ku gacan seyrtay isku daygii ay Zamira Hajiyeva ku dooneysay inay dowladda UK loollan ku galiso hantideeda lagala noqday, maadaama aysan waligeed sharraxaad ka bixinin halka ay dhaqaalahaas ka tabacday iyo sida ay ku heshay toona. Mrs Hajiyeva ayaa laga rabay inay caddyeso sida ay ku heshay lacagtaas faraha badan ee ay ku iibsatay guriga casriga ah iyo garoon lagu ciyaaro golf-ka. Waxay hadda wajaheysaa in si kama dambeys ah looga qaado dhammaan hantideeda, haddii ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku keeni weyso caddeyn muujineysa halka ay dakhliga ka hesho. Mrs Hajiyeva seygeeda, oo ka shaqeynayay bangiga dowladda ayaa la xiray ka dib markii lagu helay falal musuqmaasuq ah oo uu ka sameeyay waddanka ay labadooduba asal ahaan kasoo jeedaan ee Azerbaijan. Hase yeeshee lamaanahan ayaa si wadajir ah u beeniyay inay wax khalad ah sameeyeen. Mrs Hajiyeva wax dacwad ah looguma soo oogin gudaha UK. Garsooraha maxkamadda, Lord Burnett, oo ah madaxa caddaaladda, ayaa markii uu meesha ka saarayay racfaanka ay qaadatay Mrs Hajiyeva wuxuu sidoo kale mamnuucay inay haweeneydan kiiskeeda usii gudbiso maxkamadda ugu sarreysa dalka. Waxaa kale oo uu amar ku siiyay inay bixiso dhammaan kharashkii dacwada uga baxay Laanta Qaran ee Dambiyada. Xukunkan oo ay ku wehlinayeen labo garsoore oo kale ayuu ku sheegay in Mrs Hajiyeva si sharciga waafaqsan loo beegsaday labo sano ka hor, ka dib markii ay sharraxaad ka bixin weysay ilaha hantideeda. Waxaa haweeneydan hadda laga sugayaa inay caddeymo ku filan la timaado, si ay ugu dooddo hantideeda. Haddii ay keeni weyso waxyaabo qanciya kooxda baaritaanka ku wadda kiiskeeda, markaas waxaa dib loogu celin doonaa maxkamadda, si looga raadiyo xukun kale oo lagu amrayo in si kama dambeys ah loola wareego hantideeda. Howshan ayaa qaadan kartay sannad kale, haddii ay Mrs Hajiyeva ku guuleysan lahayd racfaanka. Mrs Hajiyeva waxay hadda heysataa muddo 7 maalmood ah oo ay ku keeni karto macluumaadka la xiriira asalka hantideeda. Haddii uu wakhtigaas ka dhammaado iyadoo aan tallaabo noocaas ah qaadin waxaa billaaban doonta howsha la wareegista. Haddiise ay la imaato xog muujineysa sida ay dhaqaalaha ku heshay oo, oo sharciga waafaqsan, Laanta Qaran ee Dambiyada ayaa heysan doonta muddo 60 maalmood ah oo loogu talagalay inay ama ku aqbalaan sheegashadeeda ama kusii ambaqaadaan isku daygooda la wareegista hantida. Laakiin haddii ay mas'uuliyiintu ogaadaan inay bixisay macluumaad been abuur ah ama marin habaabin ah, waxay haweeneydan wajihi doontaa maxkamadeyn, xabsi ayeyna muteysan kartaa. Hase ahaatee qorshahan oo dhan wuu istaagi karaa haddii ay Mrs Hajiyeva u suurtagasho inay ka dacwooto maxkamadda ugu sarreysa UK. https://www.bbc.com/somali/war-51402480 +politics Ilhaan Cumar: 'Nin Soomaali ah ayaa anigoo daawanaya lagu dhuftay 38 xabbadood' "Cabdishakuur Casoowe Ilhaan Cumar, oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa ka qayb gashay shir ay bulshada ka yeesheen arrimaha qalalaasaha hubka, waxa ayna isbarbardhig ku samaysay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo magaalada Minneasopolis. Ilhaan ayaa u muuqatay inay soo jeedineysa in dhinaca qalalaasaha hubka ay Minneapolis ku liidato marka lala barbardhigo xeryada Dhadhaab. ""Muddo lix sano ah waxaan nasiib u yeeshay in aanan arkin wax qalalaase ah ilaa inta aan usoo guurayay Minnesota,"" ayay tiri Ilhaan. Hase yeeshee markii ay tagtay Mareykanka ayay, sida ay sheegtay, la kulantay dhacdooyin argagax leh. Iyadoo ku cusub Mareykanka ayay goob joog u noqotay dhowr dhacdo oo dhiig ku daatay. Waxay dib usoo gocatay mid ka mid ah falalkaas oo ay booliska ku toogteen nin Soomaali ah. ""Sanadkaygii ugu horreeyay ee aan Mareykanka joogay waxaan arkay qof lagu toogtay Peavey Park, oo isla goobta ku geeriyooday, xilligaas oo ahayd saddex isbuuc kaddib markii aan aniga iyo aabbeheey imaannay Minneapolis. ""Lix bilood kaddib waxaan goob joog u ahaa oo aan daawaday booliska Minneapolis oo 38 xabadood ku dhufanaya jirka nin Soomaali soo galooti ah oo dhimirka ka xanuunsanaa, kaasoo aan ku hadli karin luuqadda Ingiriiska,"" ayay tiri. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ka sheekeysay in markii ay Soomaaliya kasoo qaxayeen qoyskeeda ka hor ay arki jirtay carruur iskuulka la dhiganaysay oo goobta waxbarashada la aadi jiray hubka. Xilligaas waxay ahayd markii uu billowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya. ""Waan garanayaa sida uu u eg yahay qalalaasaha noocaas ah ee hubka, balse waxaan nasiib igu filan u lahaa inaan soo qaxo oo aan magangalyo ka helo xero qaxooti, halkaas oo aan ku noolaa afar sano anigoo aan ku arkin wax qalalaase ah."" Dhowr sano oo ay xeryaha qaxootiga ee Kenya ku qaadatay kaddib, Ilhaan waxa ay sanadkii 1995-kii tagtay Mareykanka, waxaana laga qaabilay gobolka New York. Da'deedu markaas waxay ahayd 12 sano. Toogashada labaad ee ay Ilhaan ka sheekeysay waa dhacdadii uu ku dhintay Abuu Qaasim Jeylaani oo ahaa 28 jir, kaasoo ay booliska dileen sanadkii 2002-dii. Waxaa la toogtay isagoo wata baangad. Dda goob joogeyaal ah ayaa sheegay in marka Jeylaani rasaasta lagu furayay uu ku qaylinayay ""Allahu Akbar, Allahu Akbar"", sida uu qoray wargayska Daily Mail oo kasoo baxa UK. Waxa uu dhagaha ka furaystay hadalladii ay booliska uga dalbanayeen in uu baagadda iska dhigo. Muddooyinkii dmabe waxaa dalka Mareykanka si xoog leh uga taagnayd dood ku saabsan in la xakameeyo isticmaalka hubka kaddib markii ay dhaceen toogashooyin isdaba joog ahaa oo lagu dilay dad ay ku jiraan carruur iskuul lagu weeraray. Xildhibaannada Aqalka Senate-ka ee gobolka New York ayaa hadda ansixiyay sharci cusub oo mamnuucaya in hubka aan loo jeedin ee darka hoostooda kagu qarsado lala galo goobaha xasaasiga ah. Meelahaas waxaa ka mid ah dhismeyaasha dowladda, xarumaha laga raaco gaadiidka dadweynaha, goobaha waxbarashada iyo sidoo kale fagaaraha Times Square." https://www.bbc.com/somali/articles/c28x1pm8ykdo +technology Waxay YouTube ku baahisa baaritaannada dilalka foosha xun waxaana ku taxan 131 malyan oo qof "Iyada oo ka warrameysa kiisaska dilalka taxanaha ee foosha xun haddana waxay kasbatay dad ka badan 131 malyan iney boggeeda You Tube ay ku xirnaadan. Sheekadu maxay tahay? ""Weligeyba waxaan jeclaan jiray dambiyada dhabta ah, tani iyo yaraanteydina aad ayaan u xiiseyn jiray waaliddiinteyda gaar ahaan hooyadeey waxay si joogta ah ula socon jirtay baaritaannada faldambiyeedyada iyo dilalka iwm"" ayey tiri. Neal waxay ku mashquulsaneyd dilalka iyo gacan ku dhiiglayasha oo keli ah iyada oo 15 jir ah ayeyna ku biirtay barta Netflix ee filimaanta lagu baahiyo. Neal waxay sheegtay ""Marki ugu horreysay dukumantyadi ay u baahneed oo dhan iney hal toddobaad ay ku guudmartay ayna ku ogaatay iney fursad halkaasi ka bannaantahay."" Kaddib marki ay Neal go'aansatay waxa ay dooneyso iney sameyso, waxay ku biirtay jaamacad si ay uga soo barato cilmu- nafsiga. ""Waxaan aniga aad u xiisaya kuwa wax dilo sida ay maskaxdayada uga duwan yihiin,"" ayey tiri Neal. Aad ayaanna u jecelahay marxaladda loo maro baaritaannada dambiyada dhacay lagu ogaanayo. Inkasta oo ay Neil jecleyd iney barato cilmu-nafisga dadka wax dila haddana waxaa lagu qasbay iney jaamacadda ka baxdo maadaamaa ay xoogga saartay dhinaca barta You Tube-ka ee ay bulshada baaritaannadeda kula wadaagto. ""Marka hore oo aan You Tube billaabayey waxaan billaabay casharro ku saabsan isqurxinta oo la mid ah kan uu diyaariyo James Charles, marki dambana waxaan ogaaday inaan aniga u sameysneen waxyaabaha isqurxinta la xiriira aanna ku qanacsaneen"" ayey tiri Neal. Kannaalkeeda isqurxinta oo sanad iyo badh shaqeynayey oo ay ku taxnaayeen celcelis ahaan wax aan ka badneen 100 waxay u beddeshay kannaalka dhiigga uu ka da'aya ee ay ku soo qaadato dilalka naxdinta badan ee dhaca iyo baaritaannada dambiyadaasi la xiriira. Wuxuuna kannaalkeeda cusub ee You Tube uu seddex sano gudahood uu soo jiitay macamiil ka badan 1 malyan. Neal waxay sheegtay:""Kaliya waxa macamiisha intaasi dhan soo jiitay ma ahayn hal muuqaal oo keli ah oo kannaalka You Tube la soo dhigay balse muuqaallada qaarkood waxay ahaayeen kuwa ay dadka kannaalka ku xiran ay ku soo tala bixiyaan qaybta farriimaha, muuqaallada qaarkood oo keenaya natiija aad uga wanaagsan inti la filayey."" Tiro badan oo taageerayaal ah oo ku xiran bogga You Tube-ka ee Eleanor Neal oo tai iyo carruurnimadeedi jecleed baaritaannada la xirira dilalka waxay la wadaagayeen raadad cusub oo baaritaannada la xiriira maadaama ay qaybta faallada ee muuqaallada ay macamiisha u saamaxeyso inay talooyinkooda ugu diraan si ay talooyinka cusub ee baritaanka oo loo soo jeediyey ay u raacdo. Eleanor Neal waxay aaminsan tahay iney xirfadaheeda baaranimo ay marweliba karti iyo waayaragnimo u sii yeelaneysay waxayna sheegtay markay muuqaalladeedi hore qarkood ay daawato iney ka qoomameyso oo waxyaabaha khaldan oo ay xilligaasi waayaragnimo la'aanta ka hoos bixisya ay ku aragto. ""Inta aan baaritaannada ku guda jiray dareenkeyga iyo shucuurtyeda intaba waan xakameynayey, balse waxaan xusuustaa marki aan baarayey kiiski Jimmy Bulger oo ah mid ka mid kiisaski ugu xumaa uguna adkaa oo aan noolasheyda abid maqlo, waxaan xusuustaa inta aan baaritaanka waday inaan in badan ooynayey."" ayey tiri. Iyada oo ay taasi jirto hadda Neal waxay sheegtay kiisaska ay baareyso iney si wanaagsan uga gungaarto oo ay ka daalin. ""Inta badan waxaan aad ugu fiicanahay la macaamilka dadka aniga oo waxweliba ka horreysiinayo iney shaqadan tahay teyda ayna waajib igu tahay inaan shaqadeyda sida ay tahay aan u qabto, maskaxdeyduna wey ogtahay goorweliba oo ay shaqo ii taallo ama la gaaro xilligi shaqada aan qaban lahaa,"" ayey tiri Eleanor Neal." https://www.bbc.com/somali/war-54045637 +business Xanuun ay qabtay dartiis ayaa u horseeday inay sameyso shirkad ku fadhida malaayiin doolar "Barnaamijka toddobaadle ah ee BBC-da ee lagu wareysto ganacsatada caanka ah guud ahaan caalamka ayaa waxaa toddobaadkan lagu wareystay Jules Miller oo aasaastay shirkad qaabilsan maddooyinka xoojiya caafimaadka ba'niiaadanka, shirkaddaas oo la yiraahdo The Nue Co. Jules Miller waxay sheegtay in sababaha ay ku dhaliyay sameynta shirkaddan ay tahay inay xanuunsantay kaddib markii ay aragtay dhiig bax gudaha jirkeeda ah. ""Waan daallanaa, xanuun ayaan dareemayay, waa markii aan bilaabay ka fakarka cuntada, caafimaadka iyo waxyaabaha caafimaadka xoojiya"" Waxay markaas aheyd sanadkii 2015-kii oo ay ku jirtay nolol wel wel ah, Jules oo xilliggaas 30 jir aheyd waxaa laga helay xanuun ku dhaca mindhicirada. Waxay bilowday inay qaadato maaddooyin ka qeyb qaato xoojinta caafimaadkeeda, waxay garwaaqsatay in inta badan dawooyinkaas aysan waxtar weyn laheyn. Jules awoogeed wuxuu ku takhasusay cilmiga dawooyinka, wuxuuna wax ka dhigi jiray jaamacadda Cambridge ee UK. Iyada iyo awoogeed Prof George Miller waxay bilaabeen cilmi baaris ku saabsan maddooyinka xoojiya caafimaadka iyo waxyaabaha laga soo saari karo. ""Waxay aheyd xog waxtar leh"" ayay tiri Jules oo haatan 35 jir ah, ""Waxaa jiray maaddooyin ku caawin karayo balse waxaa ku jiray walxo caafimaad ah oo la ogaaday in caalamado kale ay qofka ku reebi karaan"" Jules, awoowgeed ayaa ku dhiirogeliyay inay bilowdo ganacsiga ku saabsan wax soo saarka maaddooyinka xoojiya caafimaadka oo dabiici ah. Gabadh 30 jir ah oo hindistay shirkad ku fadhida $1 bilyan doolar Shirkad shaqaalaheeda u madax bannaysay xilliga ay rabaan in ay shaqeeyaan Sidee gabadhan $260 uga sameysay ku dhowaad $4 milyan oo dollar Sanadkii 2017-kii, waxay aasaastay shirkadda The Nue Co, maanta waxaa ganacsigeeda lagu qiyaasaa in sanadkii uu soo xareeyo dhakhli gaaraya 7 malyan oo doolar. Waxay haatan sheegeysaa in lix jeer uu sare u kacay faa'idada ay ka hesho ganacsigeeda marka loo barbardhigo sanadkii tegay maadama dad badan ay u baahan yihiin maaddooyinka xoojiya caafimaadka xilli lagu guda jiro safmarka Korona. Jules waxay ku dhalatay dalka Colombia ee ku yaalla koonfurta Amerika, waxay ku hadashaa luqadda Spanish-ka, waxay qoyskeeda u soo gareen London iyada oo 7 jir ah. Markii ay ka baxday kuliyadda falsafada ee jaamacadda Birmingham ka hor inta aanay u shaqeyn shirkad xayeysiinta qaabilsan, ka hor inta aanay bilaabeen shirkaddeeda Nue waxay madax ka heyd shirkad soo saarta cuntooyinka ay qaataan dadka aan hilibka cunin, waxay sheegtay in aanay ka cabsan aasaasidda ganacsideeda. ""Waxaan filaya in haddii ganacsi kale aan bilaabi lahaa, haatan ma lahaadeen kalsoonida aan maanta qabo"" Markii ugu horreysay shirkadeeda waxay soo saartay maaddo la yiraahdo ""Debloat"" oo hoos u dhigta xanuunka ku dhaca mindhicirada oo horey Jules ula daala dhaceysay. Waxayna markii dambe bilowday inay soo saarto noocyo kala duwan oo fitaamiin ah iyo waxyaabaha lais mariyo ee u fiican maqaarka. Markii hore, shirkaddeedu waxay ku bilowday magaalada Cambridge, sanad gudihiisa, waxay u wareegtay magaalada New York ee Mareykanka, Jules waxay rumeysan tahay in tallaabadaas ay fursad u siineyso in ka faa'ideysto Mareykanka maadama uu yahay suuqa ugu weyn ee lagu iib geeyo maaddooyinka xoojiya caafimaadka. ""Ku dhawaad boqolkiiba 80 dadka Mareykanka waxay qaataan Fiitaamiin ama maddooyin kale oo dheeraad ah oo xoojiya caafimaadka marka loo barbardhigo dadka Britain oo aanan si weyn u jecleyn"" ayay tiri Jul Guud ahaan caalamka, ganacsiga ku saabsan maaddooyinka xoojiya caafimaadka, warbixin lasoo saaray sanadkii lasoo dhaafay waxaa lagu sheegay in sanadkiiba badeecadaha ay soo saaraan ay gaari doonaa 210 balyan oo doolar marka la gaaro sanadka 2026-da. Shirkaddeeda Nue waxay sanadkii 2017-kii ku bilowday in wax soo saarkeeda ay ku iibgeyso Online-ka balse haatan meelo badan ay bakhaaro ku leedahay, waxaa kamid ah dukaan ay ku leedahay New York. Ganascigeeda wuxuu haatan helay 11.5 malyan oo doolar oo maalgelin, waxaana kamid ah shirkadaha uu ka helay Unilver, Jules iyo seygeeda Charlie Gower waa dadka leh saamiga ugu badan, seygeeda waa madaxa howlaha ee shirkadda halka Jules ay tahay agaasimaha fullinta. Caroline Peyton oo u dhaltay Britain kuna takhasustay nafaqada waxay sheegeysa in muhiim ay tahay in shirkaddaas ay soo saarto waxa suuqa galayo. Haddaba, maxay yihiin waxtarka banii'aadanka ay u leeyihiin maaddooyinkaaas? Adeegga qaran ee UK u qaabilsan caafimaadka waxay dadka u baahan qoraxda kula taliyaan inay isticmaalaan Fiitaamiin D, sababta oo ah jirkeena wuxuu helayaa Fiitaamiin D mar alaale marka aad qorax hesho." https://www.bbc.com/somali/war-54143965 +politics Kenya: Askar loo qoray ciidanka booliska oo farxad awgeed u yiri hadallo xun xun oo caro weyn dhaliyay "Taliska ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa cambaareeyay muuqaal laga arkayo koox dhawaan ka qalin jabisay imtixaanka qorashada askarta oo sheegaya sida ay u yihiin ""dadka xun"". Muuqaalkan ayaa si weyn ugu waafay baraha bulshada ee waddankan ku yaalla bariga Afrika, iyadoo dad badanna ay arrintan ka muujiyeen walaac. Madaxda booliska ayaa hadallada kasoo yeeray askartaas mar dhow la qoray ku tilmaamay ""mas'uuliyad darro, wax aan la aqbali karin iyo taxaddar la'aan"". Muuqaalkan ayaa sii xoojiyay fikradaha ay dadka reer Kenya qaarkood qabaan ee ku saabsan in askartooda qaarkood ay u dhaqmaan sida tuugada oo kale. ""Way dhammaatay, waa sidaas ... waan dhammeystirnay, way noo dhammaatay howsha. Wakiil ayaan ka nahay, waa maxay waxaan? Koofiyad Cas!"" ayuu yiri mid ka mid ah kooxda muuqaalka ku jira oo ku hadlaya lahjadda Kenya ee loo yaqaanno ""Sheng"". ""Hadda waxaan usoo baxeynaa bannaanka [waan qalinjabineynaa], waxaana nahay kuwa xun xun"" Pa! Pa! Pa! guutada 26-aad! Waxaan nahay kuwa xun xun."" Dadka reer Kenya ee isticmaala baraha bulshada ayaa walaaca ay ka qabaan muuqaalkan isla wadaagayay, iyadoo qaarkood ay sheegayeen in tani ay muujineyso koox rag ah oo handadaas sameynaya halkii ay shacabka uga adeegi lahaayeen. Kuwo kalena waxay sheegeen in erayadooda ay markhaati ka yihiin sida ay u damacsan yihiin inay dadweynaha qaab qallafsan ula dhaqmaan marka ay soo qalin jabiyaan. Muuqaalkan ayaa yimid xilli kiisaska ku saabsan falalka xadgudubyada ah ee ka dhanka ah booliska Kenya ay sii kordhayaan, iyadoo dhowr bilood uun ay ka harsan yihiin doorashada guud. Kenya ayaa taariikh dheer ku leh in booliskeeda ay awood xad dhaaf ah u adeegsadaan fulinta sharciga, taasoo inta badan sababta dhimasho, balse saraakiisha amniga lalama xisaabtamo. Bayaan kasoo baxay taliska booliska qaran ayaa lagu sheegay in dib u eegis gudaha ah lagu sameynayo arrintan, tallaabooyinka ku haboonna laga qaadi doono. Booliska ayaa sheegay in muuqaalkaas uusan ka turjumeynin fikirka guud ee ciidanka loo yaqaanno GSU-da, oo ah boolis sida militeriga u tababaran. Balse qaarkood ayaa dhinaca baraha bulshada ku maadeystay dhacdadaas. Waxay arrintan buuqa kicisay kusoo aadday kaddib markii askari ka tirsan booliska Kenya uu Talaadadii toogasho ku dilay xaaskiisa iyo shan ruux oo kale, isagoo adeegsanayay qori noociisu yahay AK-47." https://www.bbc.com/somali/war-59608696 +politics Iran oo u riyaaqday dhammaadka cunoqabatayntii hubka ee saarrayd "Iran ayaa soo dhawaysay dhamaadka mudadii cunoqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay saartay oo maanta ku ekayd. Waxay se sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in aanay haatan qorshaha ugu jirin in ay ku talax tagto soo iibsiga hubka. In kasta oo uu jiro culays Maraykanku saarayo dalalka dunida oo uu ku doonayo in la kordhiyo mudada cunoqabataynta hubka ee Iran saaran, ayaa hadana maanta oo Axad ah ay si rasmi ah arintaasi u soo gabogabowday sida uu dhigayo heshiiskii nukliyeerka ee Iran iyo dawladaha waaweyn ee dunida kala saxeexdeen sannadkii 2015. Wasiirka arimaha dibadda Iran, Mohammed Javad Zarif, ayaa bogaadiyey arintan waxaanu ku tilmaamay in maantu tahay maalin muhiimad u leh beesha caalamka. Warbixin ka soo baxday wasaaradda arimaha dibadda Iran ayaa sidoo kale lagu sheegay in Iran dhanka hubka isku filaansho ka gaadhay oo ay hirgelisay qaab ay ku soo saarto hubka intii cunoqabatayntu saarnayd. Ruushka, Shiinaha iyo Iran: yay la doonayaan inuu ku guuleysto doorashada Mareykanka? Iran oo lagu amray in bilyan doolar ay siiso qoys kasoo jeedo Mareykanka Warbixintaas ayaa intaa ku dartay in ""qorshaha gaashaan dhigga Iran ay saldhig u yihiin kartida shacabkeeda iyo awoodda dalku. Hase yeeshee dhanka hubka halista ee nukliyeerka ah iyo in kharash badan kaga baxo hubka caadiga ah ba aanay diyaar u ahayn oo aanay meelna kaga jirin istiraatijiyadda difaaca Iran."" Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn hubka ah ku soo rogay Iran 2007, hase yeeshee heshiiskii nukliyeerka ee ay kala saxeexdeen Iran iyo quwadaha waaweyn ee dudnidu sannadki 2015 ayaa waxa uu si cad u qeexayey in cunaqabataynta laga qaado Iran maalinta Axadda ah 18 Oktoobar 2020. Lix dawladood oo waaweyn (Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka) ayaa heshiis la galay Iran kaas oo dalkaas ka xayiraya inuu horu mariyo hubkiisa nukliyeerka ah, Iran na loo ogolaado in cunoqabataynaha saaran laga khafiifiyo. Laakiin khilaafka isa soo taraya ee u dhaxeeyey Washington iyo Tehran tan iyo waagaa ayaa ku kallifay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, inuu ku dhawaaqo sannadkii 2018 in dalkiisu ka baxay heshiiskaas. Ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u debci waayey cadaadiska Maraykanku saaray ee uu ku doonayey in la kordhiyo mudada cunoqatabaynta Iran saaran, ayaa maamulka Trump bishii Ogost ee sannadkan bilaabay olole uu ku doonayo in dhamaan cunaqabatayntii laga khafiifiyey Iran mar kale lagu soo celiyo. Wasiirka arimaha dibada Iran oo arintaa ka falcelinaya ayaa yidhi ""is kaashiga gaashaan dhigga ee Iran iyo dunidu wuxuu wax tar u leeyahay nabadda iyo nabadgelyada gobolka iyo isku dheeli tirnaanta dunida."" Trump oo damacsan inuu ""dib u huriyo colaadda Iran"" si mar labaad loo doorto Hase yeeshee wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa isna dhankiisa uga digay Ruushka iyo Shiinaha in ay dhayalsadaan dalabka Washington ee ah in dhamaan cunoqabtaynihii Qaramada Midoobay saartay Iran mar kale lagu soo wada rogo, waxaanu sheegay inuu talaabo ka qaadi doono dalkiisu wadamadaas. ""Talaabo ayaan ka qaadaynaa dawlad kasta oo haatan isku dayda in ay Iran cunoqabatayntii ka debciso, cunoqabatayn ayuu Maraykanku saari doonaa dal kasta oo arintaa ku dhaqaaqa."" Ayuu yidhi. Iran waxay yeelatay karti iyo farsamo weyn oo ay hub ku samaysan karto intii ay saarnayd cunoqabatayntii Qaramada Midoobay ee loogu diiday in ay hub soo iibsato. Waxaanay khubrada reer Galbeedka ee lafa gura arimaha milatarigu sheegayaan in Iran ay badanaa buunbuuniso kartideeda hub samaysiga, walow ay hadana jirto cabsi laga qabo barnaamijkeeda gantaalaha ridada dheer taas oo ahayd wixii ku kallifay Washington in ay ka baxdo heshiiskii nukliyeerka ee lala galay Iran 2015. Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in Maraykanka ay dhabar jab ku noqotay inuu ku guul darraystay in la sii dheereeyo mudada cunoqabataynta hubka ee saaran dalkiisa oo ay xukuumadda Maraykanku dalab arintaa ku saabsan hor geysay Golaha Ammaanka. Hadalkan wuxuu Ruuxaani sheegay markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii ku gacan saydhay soo jeedinta Maraykanka oo Jamhuuriyadda Dominica oo keli ahi taageertay soo jeedintiisa, hase yeeshee ay diideen Ruushka iyo Shiinuhu halka 11 dal oo kale ka aamuseen oo ay ku jiraan Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska. Iran oo dhaafisay Yuraaniyamkeeda 'toban jeer' iyo dheeraad intii loo ogolaa Mudada conaqabataynta hubka ee saarrayd Iran ayaa ku eg bisha Oktoobar sida uu dhigayo heshiiskii ay kala saxeexdeen Iran iyo quwadaha waaweyni sannadkii 2015. Ruuxaani oo khudbad ka jeediyey telefishanka dalkiisa ayaa yidhi ""Ma xasuusto mar qudha oo Maraykanku soo jeedin qaraar oo uu ku dibindaabyeynayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah soo hor dhigay golaha oo cod keliya oo taageeray uu halay"", waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata ku daray ""guushani waa tii ugu weynayd ee lagu fashiliyey dhagarta Maraykanka waan guul darro dhabar jab ah oo ku dhacday"". Dhanka kale wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa yidhi ""in goluhu ka baaqsado inuu qaato go'aan uu ku difaacayo nabadgelyada iyo xasiloonida dunidu waa dembi aan cafis lahayn"". Waxa isaguna arinta ka hadlay danjiraha Israel u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, oo ku tilmaamay go'aankaa Golaha Ammaanka ""wax laga xumaado"" waxaanu intaa ku daray in ""go'aankaasi u horseedi doono Bariga Dhexe qalaase hor leh isla markaana uu qulqulatooyin ka abuuri doono dunida oo dhan"". Sannadkii 2013 ayaa Iran waxay heshiis kala saxeexdeen reer Galbeedka, kaas oo ku saabsanaa barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalaheeda ba. Madaxweyne Obama ayaa waagaa sheegay in markii ugu horaysay toban sanadood, barnaamijka nukliyeerka Iran la hakiyay. Heshiiskaas ayay Iran ku balanqaaday inay dhinto kaydkeeda tayeenta macdanta uraniyamka, oo loo isticmaali karo hubka nukliyeerka. Iran ayaa cuna qabataynta qaar laga qaadayaa hadii ay fuliso heshiiska. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Mohammed Javad Zarif, ayaa sheegay in la aqoonsaday xaqa uu waddankiisa u leeyahay tayeenta Uraniyamka. Laakiin xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry, ayaa sheegay inaan la aqoonsan." https://www.bbc.com/somali/war-54592032 +health Xasaasiyadda: Sidee looga hortagi karaa cudurka sanboorka? "Cudurka sanboorka ee ka dhasha xasaasiyadda loo yaqaano Rhinitis-ka, ee horseeda in qofka uu dareemo ciriiri dhanka neefsashada sanka ah, hindhiso soo noqnoqota, weji cuncun iyo neefsashada oo ku adkaata qofka, badanaa way ka sii dartaa xilliga dayrta ama jiilaalka waxayna ku xiran tahay waxyaabaha qofka ku kiciya ee ka dhasha deegaanka qaarkood sida boorka, dhogorta xayawaanada iyo manka geedaha. Inkasta oo soddonkii sano ee lasoo dhaafay loo maray waddo dheer sidii dawo loogu heli lahaa sanboorka- arrinta dhabta ah ee la ogaaday ayaa in aan la helin dawo ka hortaggi karto xasaasiyadda rhinitis, iyadoo seynisyahano badan ay aaminsan yihiin in wax xal ah aan loo heli doonin cudurkan. Haddaba waxaan halkan ku eegeynaa sababta ay u adag tahay in laga hadlo daweynta cudurkan, iyo maxay yihiin siyaabaha ugu muhiimsan ee lagu xakameyn karo maanta? Sanka wuxuu leeyahay duleylo, qaabab iyo habab dhowr ah oo uu uga hortagayo gelitaanka walxaha halista ah, kuwaas oo dhaawici kara shaqada sambabada. Tusaale ahaan: qiyaas in fayraska uu isku dayayo inuu soo galo sankaaga. Jirka wuxuu sameynayaa wax walba si uu u eryo feyraskaas sida ugu dhakhsaha badan si looga fogaado dhibaatooyin waaweyn. Xaaladdan oo kale, nidaamka difaaca ee jirka ayaa ku dhaqaaqayaa tallaabooyin taxane ah isla markaana baabi'inayo waxyaabaha kusoo duulay jirka - Sanka waxaa ka buuxsamaa dheecaanno xilliggaas mana joojinayo hindhisada. Qofka isku arko xaaladdan noocan ah, waxaa uu jirkiisa ka falcelinaya waxyaabaha xasaasiyadda ku kicinaya ee kasoo tallaabay sankiisa, inta badan sanboorka waxaa kiciyaa boorka iyo waxyaabaha kale ee xasaasiyadda kiciya. Dr. Antonio Condino, oo ka tirsan machadka Sayniska ee Jaamacadda São Paulo ee dalka Brazil ayaa sharxayaa in falcelinta difaaca jirka ee sababta sanboorka uu yahay mid aad u adag maadama uu howlgeliyo noocyo kala duwan oo unugyada jirka ah. ""Mid ka mid ah unugyada dhiiga cad ee jirka ee ku lugta leh habkan waa unugga weyn, kaas oo sii daaya maaddada la yiraahdo Histamine,"" ayuu yiri Dr Antonio. Wuxuu intaa ku daray in maadada Histamine ay horseedo astaamaha uu iska arko qofka qabo sanboorka sida san cuncunka iyo indhaha qofka oo guduuto. Condino waxa kale oo uu barayaa in cudurka sanboorka uu yahay cudur mid 'polygenic ah', kaas oo ku xiran isbeddellada qaybaha kala duwan ee hidde sidaha banii'aadanka. ""Waxaa jira cudurro ka dhasha difaaca jirka kuwaas oo ay sababto isbeddel ku yimaada hal hidde-side. Xaaladahan, way sahlan tahay in laga fekero daaweynta hidda-sidahaas ayaa wax ka qaban karaa dhibaatadan,"" ayuu yiri Dr. Antonio Condino. Xasaasiyadda laga qaado lawska oo dawo loo helo Maxaa sababa xasaasiyadda cuntada laga qaado? Xaqiiqada foosha xun ee ku saabsan is qruxinta dumarka ee Masar Tallaabooyinka lagu xakameyn karo sanboorka waxaa kamid ah sare u qaadidda nadaafadda guriga. ""Qolka waa inuu noqdaa mid hawo wanaagsan leh, in guriga lagu sameeyo nadiifin joogto ah, in roggaga iyo go'a la baddelo toddobaadkii hal mar iyo in guriga laga ilaaliyo boorka iyo waxyaabaha kale ee kiciya xasaasiyadda"" ayuu yiri Jane da Silva oo ka tirsan jaamacadda Brazil una qaabilsan cudurrada ka dhasha difaaca jirka iyo xasaasiyadda. Waxay khuburrada ku talinayaan in sanboorka sidoo kale looga hortagi karo in barkinta iyo furaashyada la dhigo qoraxda isla markaana la dhaqo dharka iyo bustayaasha in muddo ah guriga dhex yaallay ee la isticmaalin. Waxaa dhammaan tallaabooyinkan looga golleeyahay xakameynta walxaha keena xasaasiyadda, sida boorka, dhogorta xayawaanada. Nadiifinta, dabcan, kuma koobna guriga: sidoo kale waa lagama maarmaan in la dhaqo sanka. ""In sanka maalin kasta lagu nadiifiyo cusbada loogu talagalay waxay meesha ka saartaa wasakhda waxayna qoysaa xuubka xabka ah, kaas oo ka hortagaya xasaasiyadda,"" ayuu yiri Silva. Marka laga reebo tallaabooyinka, waxay dhakhaatiirta dadka qaba sanboorka u qoraaan dawooyin taas oo ku xiran heerka uu gaarsiinsan yahay cudurka. ""Bukaanada uu ku kaco sanboorka xilligga gu'ga tusaale ahaan waxaa siinnaa dawo si loo yareeyo calaamadaha cudurka xilliggaas oo kaliya ah"" ayay tiri Salmito oo ka tirsan cisbitaalka Alemão Oswaldo Cruz oo ku yaalla Sao Paulo Brazil. Dhakhaatiirta qaar waxay bukaanada siiyaan dawooyinka ka hortaga xasaasiyadda gaar ahaan marka uu qofka uu si xun u hayo sanboorka." https://www.bbc.com/somali/61363445 +entertainment Jilaa yidhi ha la beddelo sawirka filimadu ka bixiyaan Muslimiinta "Jilaaga Ingiriiska ah ee Rays Axmed ayaa billaabay sanduuq gacan ka gaysanayay joojinta in la abuuro ""muuqaallo togan oo ay Muslimiinta"" ka bixiyaan filimadu. Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii daraasad la sameeyey ay muuisay in Muslimiinta ay dhif ku yihiin in ay ka soo baxaan shaashadaha oo hadiiba ay ka soo baxaanna muuqaalka laga bixinayaa yahay mid taban. 'Nibiri baa i liqay, xilli aan badda ku jiray, xoogaa kadibna wuu i soo tufay' Axmed oo ah Muslim kii uu horeeyey ee loo magacaabo inuu ku haboon yahay jilaaga ugu fiican ee u qalma abaal marinta Oscar sannadkan ayaa yidhi ""la iskama sii indho tiri karo muuqaalka taban ee Muslimiinta laga bixinayo"" ""Waxaan muunayntaa ku qaabilay dareen mahad naq ah shakhsi ahaan, laakiin waxaan sidoo kale dareemay murugo badan"". Sidee ayay sirddoonka Israa'iil ugu suurogshay inay soo xadaan xogta nukliyeerka Iran? Waxaanu intaa ku daray ""sidee ayay caqli gal u tahay in qof Muslim ah oo ka mid ah bulsho 1.6 bilyan oo qof ah oo rubuc ka ah dadka dunida ku guud nool sidee ayaanu qof kale tanoo kale u helin weli. Waxaanan is weydiiyey sababta aan keligay u noqday ee dadka kale ee ila midka ah aanay weli u gaadhin halkaa? Waa maxay xeerka aan qornayn ee Muslimiinta lagu ximmiyaa? Maxay door ugu yeelan waayeen tebinta sheekooyin kayaga iyo dhaqankayga ee bulshooyinkayaga"". Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi ""horumarka ay gaadheen dad tiro yar oo naga mid ahi sawir buuxa kama bixinayo hadii ay weli jito in Muslimiint aanay si muuqata uga soo bixin shaashadaha filimada oo wixii sawir ah ee laga bixiyaaana yayay muuqaallo ay metelayaan shakhisiyaad taban."" Axmed wuxuu sheegay in sanduuqa uu aasaasay ujeedadiisu tahay inuu taageero iyo tilmaan iyo maalgelin ba siiyo qoreyaasha sheekooyinka ee soo kacaya. Waxaana jiri doona kaalmo qiimaheedu tahay 25,000 oo doolar oo la siindoono fanaaniinta da'da yare e Muslimiinta ah oo ay bixin doono gudi ay ku jiraan jileyaal ay ka mid yihiin Mahir Shalaa Cali, Raami Yuusuf iyo Xasan Minhaaj. Daraasadda uu ku go'aan qaatay Rays Axmed ayaa lagu sheegay in ugu yaraan boqolkiiba toban filimadii lacagaha badan laga helay intii u dhaxaysay sannadihii 2017- 2019 ee Ingiriiska, Maraykanka, Australia ay ku jireen shakhsiyaad Muslimiin ah oo doorar ka metelayey. In kasta oo shakhsiyaadkaasi aanay ahayn xidigaha sheekooyinku ku socotay ama ay metelayeen door halis ah ma sumcad dilida ahaa ayaa hadana waxaa ka muuqday in ku dhawaad saddex meeloodw laba shakhsiyaadkaasi ay metalayeen door colaad iyo dhibaatayn ah oo loogu talo galay. Haddii lacag lagu siiyo ma qaadan lahayd tallaalka Covid-19? Waayaha ku xeeran rejada 'Maayarnimo' ee Cabdikariin Axmed Mooge Waxa uu Axmed sheegay in shakhsiyaadkaa badankooda lagu muujiyey ""doorar cunsirinimo ah"" waxaanu intaa ku daray in ""sawirka Muslimiinta lagaga bixinayo shaashadaha filimadu uu dhiiri galin u yahay siyaasadaha qaarkood iyo hawl gallada ka dhasha ee ah dilalka iyo duulaannada lagu qaado dalalka. Xogtu been ma sheegto daraasaddanina waxay muujisay heerka dhibatada ka jirta filimadu ay leegtahay"". Albab Khan oo ka mid ah dadka daraasadda sameeyey ayaa sheegay in ""Muslimiintu ku noolyihiin daafaha dunida laakiin dadka daawada filimadani ay ku qiimeeyaan doorarka xadidan ee filimada lagu muujiyo ee aanay arag nolosha dhabta ah ee Muslimiinta ee ay yihiin dad saaxiibtinimo leh jaar ah oo la jaalkoodu nolosha badh ka yahay"". Rays Axmed wuxuu ku soo shaac baxay doorkii shakhsiyad jihaad doonka ahayd ee uu ka matelay filimka""afarta libaax"" ee caanka noqoday sannadkii 2010. Waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in filimkaas dartii loogu magacaabay inuu u qalmo abaal marinta Oscar-ka Aflaamta ay daawadaan siyaasiinta caanka ah wax ka ogow Filimkiisii ugu dambeeyey waaa Moghul Mowgli oo soo bandhigaya dhaqanka Aasiya. Jilidda filimada ka sokow waxa kale oo lagu yaqaan Axmed inuu yahay heesaa qaada raabka waxaanu albamkiisuu ugu dambeeyey ee soo baxay sannadkii 2020 kaga hadlayey arinta Islaam nacaybka ee ka jirta Ingiriiska." https://www.bbc.com/somali/57455262 +religion Fanaan la sheegay in uu aflagaadeeyay Nebiga NNKH oo xukun dil ah lagu riday "Maxkamad islaami ah oo ku taalla waqooyiga Nigeria ayaa nin fanaan ah ku xukuntay dal dalaad kaddib markii lagu helay dambi ah in uu aflagaadeeyay nebi Maxamed NNKH. Maxkamadda sare ee shareecada islaamka ee ku taalla Kano ayaa go'aamisay in Yaxya Maxamed Shariif Aminu uu diinta aflagaadeeyay xilli uu qaaday hees si weyn loogu baahiyay barta WhatsApp bishii Maarso. Fanaankan oo 22 jir ah ayaa haatan xiran, wuxuu xukunka ka qaadan karaa racfaan. Waxaana la sheegay in fanaanka uu dhuumaaleysi ku jiray tan iyo markii uu qaaday heestaas. Dad careysan oo dibadbaxyo dhigayay ayaa gubay gurigiisa isla markaana is hor dhoobay afaafka hore ee saldhigga xarunta booliska islaamiga ee loo yaqaano, waxay codsanayeen in tallaabo laga qaado fanaanka. Dadka dhaleeceeyay heestiisa ayaa sheegay in ay tahay mid aflagaadeyneyso diinta islaamka oo xitaa uu nin imaam ah ka sare mariyay Rasuulka. Muftigii hore ee Masar: Ahraamta midkood waa taalo Nebi loo dhisay ""Dhaleeceynta filimka Khaalid Bin Waliid waa af-lagaado loola bareeray Islaamka"" Nin Facebook-ga ku aflagaadeeyay Nebi Maxamed oo dil toogasho lagu xukumay" https://www.bbc.com/somali/war-53724993 +health Waligaa ma is weydiisay sababta aynaan sariirta uga dhicin markaan hurudno? "Xitaa haddii aad ka mid tahay kuwa sariirta jabiya hurdo weynan darteed illaa subaxa laga gaaro, qof waliba wuu ogyahay in maskaxda iyo jidhkuba firfircoon yihiin marka aan jiifno. Marka aan hurudno ma riyoonno oo kali ah ee waynu khuurinnaa, waynu sheekaynaa, waan qosolnaa, waynu qaylinaynaa, waan is gedinaa, waan is duuduubnaa, oo waan is kala bixinnaa—xataa mararka qaar gacanbaan tuurnaa waynuna haraatanna. Dhammaan waxyaabahaasi waxay dhacaan innaga oo weli hurudna marka aan soo kacno warna ka haynin wixii dhacay. Balse haddii aad ku seexato sariir yar oo aad duurka dhigatay oo ballaceedu ka yaryahay 65cm ama aad ku seexato sariirta arooska ee 200 cm, waxa ay u badan tahay in aad ka soo dul kacdo halkii aad seexatay, si walba oo aad u daallanayd. Haddaba maxeynaan sariirta uga dhicin? ""Waa arrin cajiib ah sababtoo ah waxaan u maleynaa in marka aan seexanno aynu gebi ahaanba ka go'no agagaarkeenna, laakiin maya: haddii qof kuu dhow uu qayliyo, waad soo toosaysaa,"" ayuu Russell Foster, oo ah bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Oxford ee UK, u sharraxay barnaamijka Crowd Science ee BBC. . “Inta aan jiifno jirkeennu wuxuu xogta ku aruurinayaa xog qaadayaasha” oo loo yaqaan Receptors waana qayb ka mid ah maqaarka sare oo qaada xogaha sida qabowga, kuleylka iwm. Saas darteed haddii aad hurda culus ku jirto ogow waxaa jira qayb kamida dareemadaada oo aan ayagu seexanba. “Waa sida dareenka lixaad oo kale. Waxaa lagu yaqaan sida dareenka lixaad in aanay kobocsanayn marka aad yar tahay – waa saas darteed sababta carruurta qaar ay uga dhacaan sariirta – balse marka aan soo weynaanayno wuu soo wanaagsanaadaa.” Saas darteed marka “dareemadu inagama tagaan” marka aan hurdada dhacno, khaasatan hurdada aan soo kacno innaga oo aan miyir daboolnayn – ama aan dhinacu ina bararsanayn. Dhaqamada caanka ah qaarkood, dareenka lixaad waa aragti dheeraad ah oo la xiriira dareenka sida odoroska oo kale ama ogaanshaha aad shey ogaato shanta dareen qaade la’aantood (aragga, maqalka, taabashada, urka iyo dhadhanka), si kale waxaa loo yaqaan awoodda lagula xiriiro caalamka ruuxda. Balse culumada sayniska oouu ka mid yahay Foster waxay ula jeedaan dareenka lixaad wax ka yar duwan taas. Waxay saynisyahannadu u yaqaannaan ‘proprioception’, waxayna khubarradu ogaadeen awooddan wax ka badan qarni ka hore. Balse waxa aan si qeexan loo aqoon ilaa lagasoo gaaro siddeetan sano ka hore ayaa ah intee in la eg ayaan ku tiirsannahay awooddan. Xir indhahaaga kadibna caaradda fartaada midig ee suulka ku xigta ku taabo suxulkaaga bidix. Sow ma fududa? Haddaba seed u samaysay ileen ma aragtide? Si aad ku ogaatayba waxaad ogayd halka ay fartaadu jirto iyo waliba dhinaca uu suxulkaaga bidix jiro. Sidoo kale waxaad tilmaan ka bixin kartaa dhammaan qaab dhismeedka jirkaaga adiga oo aan arkin. Haddaba tani waa ‘proprioception’: oo ah ogaansho aynu leenahay oo ah ka war haynta meesha xubin walba oo jidhkeenna ka mid ah ay ku talo/jirto. Tijaabadan kale samee adiga oo fartaada murdisada ee gacantaada bidix ama mid ku taabanaya caaradda hore ee sankaaga, balse indhaha isku qabo marka hore, sida sawirka hoose ka muuqata. Waxay awooddani ku suurta gashay xiriirka baaqyada ay maskaxda u dirayaan dareen qabtayaashaada murqaha, seedaha, maqaarka iyo kala goysyada jidhkeenna ku sugan, kuwaas oo maskaxda ku war galinaya dheerarka muruqa iyo kala bixitaankiisa, wareegga isgoysyada, isbaddelka xubinka iyo kala jiidanka maqaarka. Waxuu inoo suurta galinayaa inaan ogaanno dhanka ay xubnaheennu u socdaan, iyo inaan ka war hayno marxaladda jidhka iyo isu dheelli tirnaanta. Tusaale; waa dareenka kuu sahlaya inaad is qabato marka aad turanturooto ama kufto. Inkastoo uu jiro nidaam kale oo is xakameynta jidhka door muhiim ah ka ciyaara. Kasoo qaad inaan indhaha kaa xiray ka dibna aan si tartiib ah horay kuu liiciyey. Waxaad isla markiiba dareemaysaa in booska jirkaaga ee cuf-isjiidadka dhulka uu is badalay. Tan waxaa sababa nidaamka dareeraha 'vestibular-ka' ee ku jira dhegta gudaheeda, kaas oo naga caawiya ilaalinta dheelitirka. Laakiin kuwani runtii waxba inagama caawiyaan inaynaan sariirta ka dhicin, maaddaama ay daboolmayaan markaan seexanno. Aan dib ugu laabanno (Proprioception)-kii, anagoo soo xiganayna maqaal lagu daabacay barta wararka akadeemiyada ee The Conversation. ""(Proprioception) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah 'nidaamka meelaynta caalamiga ah', kaas oo lagama maarmaan u ah nolol maalmeedkeena sababtoo ah waxaan u baahanahay inaan ogaanno meesha aan ku jirno si aan u guurno/dhaqaaqno"" ayaa lagu yiri qayb ka mid ah maqaalka, oo ay qoreen afar aqoonyahan. ""Proprioception-ku waxuu inoo oggolaadaa inaan go'aaminno booska, xawaaraha iyo jihada qayb kasta oo jirkeenna kamid ah, haddii aan aragno iyo hadii walbaba, sidaas darteed wuxuu u oggolaadaa maskaxda inay hagto dhaqdhaqaaqyadeenna."" Awooddan awgeed, marka aan seexanno, waxaan u dhaqaaqi karnaa si xor ah, balse innaga oo aan ka gudbin xadka sariirta." https://www.bbc.com/somali/articles/c1w012xnqyxo +health Cudurka corona: Maxay tahay sababta dadka u dhintay Covid-19 aysan u geeriyoon Feyraska? "Emile Ouamouno oo 2 sanno jir ah wuxuu jecel yahay in uu ku ciyaaro geed weyn hoostiisa aga-gaarka gurigooda oo ku yaalla tuulada Meliandou oo bartamaha keymaha dalka Guinea. Geedka wuxuu mararka qaar ku arkaa Fiidmeer taas oo carruuta deegaanka ay mararka qaar qabsadaan si ay u cunaan. Emile Ouamouno wuu xanuunsaday, 28-dii bishii Decembar waxaa uu u geeriyooday xannuun aanan la qoon, hooyadiisa iyo ayeeydiis waxay tageen goobtii lagu aasayay, cudurka wuxuu ka faafay halkaas. 23-dii bishii March sannadkii 2014-kii, waxaa halkaas laga helay ilaa 49 kiis oo cudurka ah halka 29 qofna ay u dhinteen, dhakhaatiirta waxay xaqiijiyeen in cudurka uu yahay Ebola, In ka badan 3 sano iyo barkii la soo dhaafay feyrsakan waxaa u dhintay in ka badan 11,325 qof. Xilli xaaladdaas ay dunida ka jirtay waxaa hataan soo ifbaxay safmarka faraha ba'an ku haya guud ahaan caalamka. Ebola wuxuu horseeday dhibaato dhanka adeegyada caafimaadka, qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa u geeriyooday, tiro isbitaallo ah ayaa la xiray halka Isbitaallada furan ay la daalaa dhacayeen daweynta bukaanada uu ku dhacay Ebola, dalalka uu sida ba'an uu saameeyayna waxaa kamid ah Sierra Leone, Liberia iyo Guinea-dadka waxay bilaabeen inaysan tegin goobaha caafimaadka. Waxaa welwel ku reebay cudurka cusub, sidoo kale waxay cabsi ka qabeen dhakhaatiiirta, dhakhaatiirta waxay noqdeen kuwo si weyn loo takooro. Daraasad la sameeyay sannadkii 2017-kii, waxaa lagu ogaaday inay yaraadeen tirada dadka adeegyada caafimaad u raadsan jiray isbitaallada, tusaale ahaan tirada hooyooyinka tallaalka u geyn jiray cisbitaallada waxay hoos u dhaceen boqolkiiba 80 halka boqolkiiba 40 ay u hoos dhaceen carruurta uu ku dhacayso Malaariyada ee lagu daweyn jiray cisbitaalada. Ka dib dagaal xooggan oo caalami ah markii loo galay cudurka waxaa sidoo kale ka dhashay dhibaato ka weyn midda uu horseeday. Sannadka 2020, dunida waxaa ku habsaday safmar lamid ah cudurkaas Ebola. Mar sii horreysay, dalal badan waxay shacabkooda u xaqiijinayeen dadaallada ku aadan ka hortagga cudurka Covid-19, sida qondeynta sariiro iyo qalabka neefsashada ka caawiya bukaanada. Dalalka qaar waxay soo bandhigeen dawooyin aanan la tijaabin halka dhakhaatiirta la geeyay goobaha lagu daweynayo bukaanada uu qudhooda ku dhacay feyraska. Xilli dalalka ay dagaal kula jiraan cudurka, waxaa la hilmaamay adeegyadii kale ee caafimaadka ee ay heli jireen dadka qaba xanuunada kale, Kansarka, tallaalka, xanuunada dhimirka. In diiradda la saaro dagaalka lagu la jiro hal cadaw waxaa ka dhashay dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka ah. Guud ahaan dunida, waxaa lagu soo warramay in bukaanada qaar ee qaba xanuunada Kansarka, kiliyaha ama kuwo u baahna qalliin loo diiday in la qaabilo taas oo halis u horseeday noloshooda. Haweenka ku nool dalalka Balkans-ka waxaa lagu soo warramayaa inay ilmaha iska soo xaqeen markii ay waayeen adeeg caafimaad. Xilli dunida uu haatan ka taagan yahay safmarkan Corona, wuxuu u muuqdaa mid saameyn weyn ku yeeshay dalalka saboolka ah. Dhakhaatiirta waxay ka digayaan in arrintani ay horseedi karto in la xakameyn waayo cudurrada sida HIV, Qaaxada iyo Malaariyada isla markaana ay geysan karaan dhimasho la mid ah tan ka dhalatay feyraska. Dhanka kale khuburrada waxay sheegayaan inay jirto cabsida ah in tirada dadk u dhiman karta cudurka daacuunka ay ka badan karto tirada dadka u dhintay Covid-19. Isla walaacaas wuxuu ka taagan yahay adeegyada tallaalka, Ha'yadda Caafimaadka Adduunka waxay sheegtay in ugu yaraan 80 Milyan oo carruur da'doodu ay ka yartahay hal sanno ay haatan halis ugu jiraan cudurrada dabeysha, Jadeeecada iyo Kaadi dhiiga kaddib markii safmarka Korona uu saameeyn ku yeeshay barnaamijyada tallaalka ee lagu fulin lahaa ilaa 68 dal. Waxaan la filaya in cudurka dabeysha ee Polio uu dib ugu soo laabto dunida inkasta tobonnaan sanno ay socdeen dadaallo dunida looga ciribtirayo dabeysha. David Beasley oo ah madaxa fullinta ha'yadda cuntada ee Qaramada Midoobey ee FAO ayaa k digtay in dunida ay haatan qarka u saaran tahay macluul- in ka badan 130 malyan qof ayaana wajahaya halista macluusha. Inkasta oo dunida looga dhawaaqay bandow iyo xayiraado horseeday dhaqaale xumo, waxay dadka qaar ka quusteen nolosha. Timothy Roberton oo dhakhatar ku takhasusay dabagalka cudurrada safmarka ah iyo asxaabtiisa kale ee ka howlagla jaamacadda Johns Hopkins University ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalatay safmarka Korona ay dadka walaac ku abuurtay. ""Badankeena waxaan aragnay sida loola tacaalay cudurkii Ebola ee ka dilaacay galbeedka Afrika sannadkii 2014-kii, marka waxaan ognahay waxaa dhici karay"" ayuu yiri Timothy Roberton. Kooxdaas ka tirsan jaamacadda waxay darsayeen sida Covid-19 uu u saameeyay haweenka iyo carruurta ku nool dalalka uu dhakhligoodu hooseeyo, waxay soo bandhigeen waxyaabo horseedi kara inay sare u kacaan dhibaatooyinka ka dhalan kara safmarka, waxay ogaadeen labo arrimood oo sababi kara khasaaraha ka dhashay Covid-19. Tan koowaad, waa dhibaatada uu ku hayo xarumaha bixiya adeegyada caafimaadka ""arrintaas waxay horseedi kartaa in dadku ay ka cabsadaan in adeegyo caafimaad ay u raadsadaan xarumahaas"" sida uu sheegayo Timothy Roberton. Tan labaadna, wuxuu sameyn karaa shaqaalaha caafimaadka- shaqaalaha caafimaadka wey xanuunsan karaan, waxay ku qasbi kartaa in xoogga ay saaraan safmarka ama waxaa dhici kartaa inay timaado gabaabsi dhanka dawooyinka ah. Dhibaatada kale ee taagan waxay tahay helidda cunno taas oo horseedi karta in qofka u nuglaado in ay ku ku dhacaan cudurrada faafa. Dhakhaatiirta waxay saadaaliyeen dhibaata ugu xumeyd ee ka dhalan karta safmarka, iyadoo boqolkiiba 50 adeegyadii xarumaha caafimaadka laga bixin jiray ay hoos u dhaceen, heerka nafaqo darrada carruurtana oo sare u kacaysa. In ka badan hal milyan oo carruur ah iyo hooyooyin gaaraya 56,700 ayaa u dhiman kara dhibaatada ka dhalatay safmarka Korona, Inta badan carruurta waxay u dhimanayaan Oof wareenka iyo fuuq baxa ka dhasha shubanka halka hooyooyinka ay u dhiman karaan xanuun ku dhaca xilliyada uurka. Ha'yadda Cunnada Adduunka waxay raashin gaarsiineysaa ku dhawaad 100 malyan oo qof maalinkiiba, marka waxaa ku tiirsan ha'yadda ilaa 30 malyan oo qof. Sida laga soo xigtay daraasad la sameeyay , 300,000 qof ayaa cuno la'aan wajahi kartta maalin kasta bilooyiinka nagu soo aadan waa haddii la caraqaladeeyo howlaha gargaarka ay ha'yadda fulineyso. ""Haddii dhaqaalaha dunida uu si aad ah hoos ugu dhaco, dalalkana uu saameyn dhaqaale ku reebo marka dalalka bixin karaan dhaqaalihii ay siin jireen Ha'yadda ee laga filayay, marka xaaladda ayaa faraha ka bixi waa arrin cabsi leh"" waxaas ayay madaxa warfaafinta ee ha'yadda WFP Jane Howard. Dabcan, waa sababta dalal badan ay dadkooda ugu dhinteen cudurka-waxaa la ogyahay in Covid-19 uu si ba'an u saameeyay dadka da'da ah. sida laga soo xigtay daraasada ay sameysay magaalada New York laga bilaabo 13-kii bishii May in lagu ogaaday in 811 jeer tirada dadka jiro da'da 75 ee cudurka ay ka badan yihiin marka loo barbardhigo tirada dadka u dhintay cudurka ee 17 jirka ah. Dalalka uu dhaqaalahoodu hooseeyo waxaa ku badan dadka da'yarta ah kuwaas oo ah dadka ugu badan caalamka-sida dalka Niger oo ku yaalla galbeedka Afrika, marka wuxuu dalkaas shaaciyay ilaa 254 qof oo u dhimatay cudurka. Talyaaniga waxaa cudurka u dhintay ilaa 33,000 oo qof, waxay weli dood ka taagan tahay waxyaabaha dhaliyay dhammaan dhimashadaas, tusaale ahaan dadka da'da ah waxay yihiin dadka ugu nugul in uu ku dhaco cudurka, balse sidoo kale waxay wajahayaan halista ah in ay ku dhacaan cudurrada neefmareenka sida Oof wareenka, waxaa haatan sare u kacay tirada dadka u dhimanayo cudurka, waxaana suurogal ah in waxa dadka da'da ah ay dhimanayaan uu yahay feyraska. Qaar kamid ah dalalka waxay joojiyeen adeegyadii ku saabsanaa baaritaanada Kansarka tan iyo markii xayiraadda ka hortagga fiditaanka feyraska Korona looga dhawaaqay halkaas. Inta badan ha'yadaha qaabilsan caafimaadka waxay ku tiirsan yihiin dhaqaalaha ay siiyaan deeq bixiyaasha iyo guud ahaan tan ay ka helaan shacabka- marka dhaqaalaha xumida ka jirta dunida waxay saameyn ku yeelan kartaa howlahooda, gaar ahaan dadaallada ku saabsan daraasaadka caafimaadka ee sannado badan soo socday. Marka, sidee loo yareyn karaa dhibaatooyin dad-ban ee uu horseeday Covid-19? Madaxa warfaafinta ee ha'yadda WFP Jane Howard waxay ugu baaqeysaa dowladaha inay la yimadaan qorshooyin wax ku ool ah oo lagu gargaarayo shacabka sida in cunto bilaash ah laga bixiyo Iskuulada xitaa haddii la xiray. ""Waa tallaabo yar oo saameyn weyn horseedi karta"" ""Tusaale ahaan, haddii aad ku adkeyso darawalada caalamka ee kaxeeya baabuurta xamuulka ah inay galaan karantiil qasab ah waxay arrintan saameyn karta dhaqaalahaaga oo waxaa burburaya dhaqaalaha, dalalka ku yaalla Koonfurta Afrika waxaa ka dhaadhicineynay in darawalada baabuurta xamuulka ah ay siiyaan warqad ay isaga gudbaan halkaas isla markaan loo ogolaado halkaas""" https://www.bbc.com/somali/war-52890325 +politics Muxuu yahay muuqaalka cusub ee Ilhaan Cumar ee dhaliyay hadal heynta diinta Islaamka iyo Mareykanka? "Waxaa baraha bulshada Mareykanka aad la iskula dhex marayay muuqaal cusub oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka. Muuqaalkan oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay ayaa waxaa markiisii hore soo wadaagay aasaasaha kaniisadda Kingdom Realm Ministries, Jack Jensz Jr, waxaana ka muuqda dad badan oo midkood uu kaban tumayo, oo ku heeysaya ducada Masiixiga iyadoo diyaaraddu ay hawada ku jirto 30,000 oo fiit. Dadka diyaaradda saaran qaarkood oo aan ducadaas ka qeyb gelin ayaa u muuqday kuwo aan ku faraxsaneyn, halka kuwo kalena ay la soo baxeen taleefankooda iyagoo duubanaya. Muuqaalka Ilhaan ayaa waxaa daawaday tobanaan malaayiin qof, iyadoo dib loo wadaagay in ka badan 15,000 oo jeer. Dadka qaar ee faallada ka dhiibanayay muuqaalka ayaa qaarkood cambaareeyay muuqaalka, iyagoo sheegay inay khalad tahay in dadka diyaaradda saaran lagu qasbo inay ducadaas ka qeyb galaan. Qaar kale ayaa is weydiinayay sababta dadka diyaaradda saaran aysan u xirneyn af-xirka, inkastoo dhowaan xaakim heer federaal ah uu joojiyay amarkii dhowaan shirkadaha gaadiidka Mareykanka ay soo rogeen ee qasab ka dhigayay in af-xirka lagu xirto gudaha diyaaradaha, gawaarida dadweynaha iyo tareennada. ""Bal malee waxaad kortay diyaarad waxadana ku qasbanaatay inaad tan dhegeysato,"" ayuu ku jawaabay mid ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka. ""Waxay sidan u sameeyeen iyagoo og inay dadka ka careysiin doonto. Haddii uusan qofna ka caban waxay taageerayaashooda ku oran doonaan 'dadku way jecleysteen markii aad Alle u istaagteen,' haddiii aysan si wanaagsan u soconna waxay oran lahaayeen 'eeg sida ay dadku u neceb yihiin Masiixiyadda, waxaanu u baahannahay inaan Alle u istaagno,'"" ayuu yiri qof kale. Balse arrinta hadal heynta dhalisay ayaa ah hadalka ay Ilhaan ku dul qortay muuqaalka oo u dhigmay in haddii iyada iyo qoyskeeda ay duco ku dhex qabsan lahaayeen gudaha diyaaradda ay falcelintu sidaa ka duwanaan lahayd. ""Waxaan u maleynayaa aniga iyo qoyskeyga inay tahay in marka xiga aan kulan duco qabsanno aniga oo diyaarad saaran. Maxaad u maleyneysaan inay ku dhammaan doonto?"". Hadalka Ilhaan ayaa waxaa ka dhalatay cambaareyn ka timid dadka, sida laga soo xigtay wargeyska New York Post. ""Maxaad u neceb tahay Kirishtaanka, Ilhaan? Haddii xorriyadda diinta ee aan ku raaxeysaneyno halkan Mareykanka ay ku dhibeyso, xor baad u tahay inaad dib ugu laabato Soomaaliya, Suudaan, amaba meel walbood ka timid. Walaalkaana hore u sii wado,"" ayuu yiri ninka u tartamaya xubinta Kongareeska ee gobolka Georgia, Vernon. Musharrax kale oo u taagan gobolka Florida, Jose Castillo ayaa ku doday ""Mareykanka gudihiisa, Muslimiintu way awoodaan wayna ku tukadaan meelaha dadku isugu yimaado,"" isagoo intaas ku daray in haddii Ilhaan ""ay doneyso dal aan laga oggoleyn Masiixiga ay dib ugu laabato dalkeeda."" Cicely Davis, oo iyadu rajeyneysa inay wakiil ka noqoto degmada 5-aad ee gobolka Minnesota, ayaa sidoo kale ka falcelisay hadalka Ilhaan. ""Qadar - oo ah dal aad taqaanno - aadaanka salaadaha ayaa laga baahiyaa kahor inta aysan diyaaraddu kicin. Meel lagu tukado ayay u qoondeeyeen gudaha diyaaradda waxaana shaashadaha ku dheggan qiblada,"" ayay ku soo qortay barteeda Twitter-ka. Waxay markii dambe ku eedeysay Ilhaan inay neceb tahay ""Kirishtaanka & Yahuudda & iyo Muslimiin badan."" Ilhaan ayaa ka falcelisay faallooyinka qaar ee ka dhashay hadalkeeda. ""Nacayb ka dhan ah Kirishtaanka? waa inaad joojisaan dhan kale u weecinta nin jecleysigiinna,"" ayay ugu jawaabtay faallo cambaareyn ahayd. ""Dadka diin gaar ah jecleysta sidiinna waxay mar walba u maleeyaan in dadka kale ay isla nacaybkaas ku heystaan qalbiyadooda. Waa Ramadan waana idiin soo duceynayaa dhammaantiin. Ilaah ha nadiifiyo qalbiyadiinna."" Ilhaan Cumar ayaa hoggaaminaysa koox u ololeyneysa in maamulka Joe Biden uu abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-naceybka, taas oo la aasaasay bartamihii sanadkii la soo dhaafay. Gabadhan ka tirsan xisbiga talada haya ee Dimuqraaddiga, ayaa arrintan la kaashanaysa xildhibaanno kale oo ay isku xisbi yihiin. Ilhaan iyo kooxdeeda ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken inuu yagleelo xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan caalamka. Farriin ay xilligaasi soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tiri: ""Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka, waana in aan sameyno wixii karaankeenna ah si aan u cirib-tirno."" ""Arrintaas waa in ay qayb ka noqoto dedaalka aan u sameyno raadinta xorriyadda dhinaca diimaha ee caalamka iyo xuquuqda aadanaha."" ""Waxaan aragnaa inuu sare u kacay Islaam naceybka, uuna ka jiro meel walba oo ka mid ah dunida. Taas ayaa ah sababta aan u wadno warqad aan la kaashannay wakiilkeena Schakowsky, annagoo dalbaneyna in la sameeyo xafiis gaar ah oo la tacaala Islaam naceybka."" Ayey soo qortay." https://www.bbc.com/somali/war-61146651 +politics Maxay tirada muhaajiriinta ee doomaha ku galaya UK ay sare ugu kacday? "Tirada muhaajiriinta ah ee doomaha ku gaaray UK 2020 ayaa waxay afar goor ka badan yihiin sannadkii ka horreeyay ee 2019-kii. Ugu yaraan 8,400 oo qof ayay u suurogashay iney u tallaabaan UK 2020, halka 2019-kii ay tirada ahayd 1,844 qof. In kasta oo heerkulka qabow yahay, haddana 33 tahriibayaal ah ayaa afar doonyood ku gaadhay Boqortooyada Ingiriiska subaxnimadii Khamiista. 23 kale ayaa ka daba baxday galabtii. Inkastoo 33 qof ay dooni ku gaareen khamiistii, 17 kale ayay maamulka Faransiiska ka hor istaagay inay ka gudbaan. Ciidamada Xudduudda waxay kaloo ogaadeen 23 qof oo kale oo isku dayaya inay si sharci-darro ah ku galaan Boqortooyada Ingiriiska ka dib markii ay ka soo safreen dooni ka timid Dieppe. Wasiirka soo galootiga Chris Philp ayaa yiri: ""Faransiiska waa dal amaan ah oo nidaamka magangalyada sifiican uga shaqeynaya. Dadku waa inay ka dalbadaan magangalyo wadanka ugu horeeya ee nabdoon ee ay soo gaaraan oo aysan naftooda u biimeynin inay ka sii gudbaan oo ay qatar u bareeraan. ""Waxaan sii wadeynaa inaan si dhaw ula shaqeyno Faransiiska kadib heshiiskii na dhexmaray si loo qaado talaabo dheeri ah oo wax looga qabanayo tahriibka sharci darada ah."" Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in tirada askarta booliska ah ee ku sugan dhulka Faransiiska ay laba jibaareen taas oo looga jawaab celinayo mugga muhaajiriinta isku dayaya inay u gudbaan UK." https://www.bbc.com/somali/war-55495791 +entertainment Atariishada caanka ah Rhea Chakraborty oo loo xiray dhimashadii Sushant Singh Rajput Atariishada ka tirsan Bollywood, Rhea Chakraborty ayaa loo xiray kiis la xiriira dhimashada jilaagii caanka ahaa ee Sushant Singh Rajput oo ay saaxibo ahaayeen. Sushant Singh Rajput oo 34 jir ahaa ayaa 14-kii bishii Juun meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Mumbai, booliska waxay sheegeen in uu jilaaga uu isagu is dilay. Qoyskiisa waxay dacwad ka gudbiyeen Rhea Chakraborty oo ay ku eedeeyeen inay ku dhiirigelisay in jilaaga uu is dilo. Rhea Chakraborty weli kama aysan hadlin arrintan balse horey ayay u beenisay in wax lug ah ay ku laheyd geerida jilaagaas. Mas'uuliyiinta weli ma aysan shaacin dacwadda loo heysta atariishadda. Rhea Chakraborty walaalkeed Showik iyo maamulihii guriga Rajput, Samuel Miranda ayaa toddobaadkii hore la xiray. Atariishaddan ayaa noqoneysa qofkii ugu horreeyay oo caan ah oo loo xiro kiiska la xiriira geerida Sushant Singh Rajput. Sushant iyo Rhea labadoodaba waa la isku arki jiray marar badan iyagoo wada jooga. Ha ahaato xaflad, Gym-ka bannaankiisa ama makhaayad. Wararka ku gadaaman sida u isu dilay Jilaaga caanka ah ee Sushant Singh Rajput Maxay tahay atariishada caanka ah ee loo heysto geerida Sushant Singh? Muxuu yahay filimka uu jilay atoorihii 'is dilay' ee mardhow soo bixi doono? Hase yeeshee, labadooda midna waligiis ma uusan sharrixin nooca uu yahay xiriirkooda iyo inuu xiriir jacayl ka dhaxeeyo. Kaddib geerida Sushant Singh Rajput waxaa soo baxayay warar sheegayo in uu la daalaa dhacayay xannuun dhanka dhimirka ah. Rajput ayaa sii noqonayay xiddig weyn oo ku dhex jira filimada laga daba dhacay ee Hindiya, waxayna geeridiisa lama filaan ku noqotay guud ahaan waddankaas. Maalmo kaddib geeridiisa Rhea Chakraborty ayaa wajaheysa ol'ole nacayb ah oo ay horkacayaan wariyeyaasha ugu caansan dalka Hindiya iyo dadka saameynta ballaadhan ku leh baraha bulshada. Warbaahinta ayaa si weyn u hadal heysay arrintani kaddib markii aabaha dhalay Sushant Singh Rajput uu dacwad ka gudbiyay atariishadda, wuxuu beeniyay in uu wiilkiisa uu qabay xanuun dhimirka ah, wuxuu ku eedeeyay Rhea Chakraborty inay xadday lacagta wiilkiisa iyo eedeymo kale. https://www.bbc.com/somali/war-54076555 +technology Barta Twitter-ka ee Ra'iisul Wasaaraha Hindiya oo la jabsaday "Bogga Internet-ka ee Twitter ee Ra'iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa la jabsaday, sida ay xaqiijisay shirkadda. Qoraallo is xig xigay oo lagu soo qoray boggiisa ayaa dadka ku xiran halkaas looga codsanayay inay ka qeyb qaataan barnaamij gargaar ah. Shirkaddu waxay sheegtay inay ka war heshay dhaqdhaqaaqa ka socday halkaas isla markaana ay qaaday tallaabooyin lagu dhowrayo amniga barta Ra'iisul wasaraaha ee Twitter. Waxay arrintani kamid tahay dhacdooyinkii ugu dambeysay ee ku saabsan dhaca xogta shakhsiyaadka caanka ah, bishii July ayay aheyd markii la jabsaday bogga Twitter uu ku leeyahay musharraxa xisbiga dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden. ""Waxaan si xoogan u baareynaa xaaladda, haatan, kama war heyno bogag kale oo sameyn ku yeelatay falalkaas,"" waxaa sidaas yiri afahayeen u hadlay shirkadda Twitter oo la hadlayay BBC-da. Ra'iisul wasaaraha Hindiya oo lagu heysto kaftan siyaasadeed Ra'iisulwasaaraha Hindiya oo gabar kasoo badbaadiyay Soomaaliya Ra'isal wasaaraha Hindiya oo cafis dalbaday Bogga la jabsaday waa barta rasmiga ah ee Ra'iisul wasaaraha Hinidiya Modi. Shirkaddu waxay meesha ka saartay qoraallada marin habaabinta ah ee looga codsanayay dadka ku xiran bogga Narendra Modi inay ka qeyb qaataan barnaamij gargaar qaran ah iyago adeegsanayo barnaamijka la yiraahdo Bitcoin ee lacagaha lagu shubto." https://www.bbc.com/somali/war-54008280 +politics Waa kuma suldaankii Carbeed ee maamuli jiray Afrika? Kaddib muddo 56 sano uu dibad joog ku ahaa dalka Britain Jamshiid Bin Cabdullaahi Al Said oo ahaa suldaankii ugu dambeeyay ee kasoo jeeday dalka Cuman ee ka arrimiyo jasiiradda Zanzibar ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Muscat ee caasimadda Cumaan. Wuxuu kamid ahaa saldanaddii Cumaan ee 91 sano ka talin jirtay Zanzibar, waxaana xilka laga tuuray bishii Jannaayo ee sanadkii 1964-tii. Wargeyska The Guardian ayaa ku warramay in dowladda Cumaan ay marar badan diiday codsi uga yimid suldaanka oo ahaa in dib uu ugu soo laabto dalka. Balse qaar kamid ah qoyskiisa oo ku sugan magaalada Muscat ayaa warbaahin uu fadhigeedu yahay Abu Dhabi u sheegay in suldaanka uu codsaday in noloshiisa inta ka dhiman uu ku qaato dalkii uu kasoo jeeday ee Cumaan. Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo arrintani, sida uu ku warramayo wargeyska The Guardian. Jamshid bin Cabdullaahi wuxuu dhashay 16-kii bishii September sanadkii 1929-kii, wuxuu noqday suldaankii Zanzibar markii uu geeriyooday aabihiis Cabdullaahi bin Khaliifa bishii July ee sanadkii 1963-dii. Bishii Disembar sanadkii 1963-dii, jasiiradda Zanzibar waxay xornimadeeda ka qaadatay Britain. Bil kaddib sanadkii 1964-tii, Afrikaanka waxay xilka ka tuureen maamulkii carabta ahaa ee ka talinayay Afrika. Waxaa kacdoonka ka dhanka suldaankan ku lug lahaa 600 rag oo hubeysan kuwaas oo ka amar qaadanayay John Okello, oo isagu taageero ka helayay bulshada Afrikaanka, sida ay ku warrantay Encyclopedia Britannica. Waxaana la xasuuqay kumanaan qof oo carab ahaa halka kumanaan kale ay isaga qaxeen jasiiradda Zanzibar iyo Pemba ee dalka Tanzania. Suldaan ku tallaabsaday arrin aan looga baranin hoggaamiye dhaqameedyada Booqashadeydii Harar: Xaruntii xadaaradda Islaamka ee Bariga Afrika Suldaanka cusub ee Cumaan oo wajahaya caqabado aad u waaweyn Wixii ka dambeeyay kacdoonkaas, madaxweyneyaashii Zanzibar iyo Tanganyika oo haatan ah Tanzania waxay kala saxeexdeen heshiis Zanzabir looga dhigayo maamul goboleed. Jamshid bin Cabdullaahi wuxuu isaga cararay qasrigii saldanadda ee ku yaallay Zanzibar kaddib markii ay halkaas la wareegeen koox fallaago ah. Markii loo diiday in magangelyo laga siiyo Cumaan, wuxuu aaday dhinaca Britain isaga iyo 61 qof oo ka tirsan qoyskiisa iyo ehelkiisa. Labo toddobaad uun kaddib wargeyska New York Times ayaa ku warramay in dhibaato dhaqaale oo heysatay suldaanka ay ku qasabtay in uu isaga guuro huuteel lagu raaxeysto oo uu ka deganaa Britain gaar ahaan meel u dhaw Buckingham Palace. Wargeyska ayaa bishii May sanadkii 1964-tii ku warramay in dowladda Britain ay lacago boqolaal Gini ah siisay suldaanka. Waxay arrintaas u suurogelisay in ku noolaado goob degan oo xeeb ah oo ku taalla Britain. Sanadkii 2000, madaxweynihii hore ee Zanzibar ,Salmin Amor wuxuu cafis u fidiyay suldaan Jamshid bin Cabdullaahi. https://www.bbc.com/somali/war-54338705 +politics Mareykanka oo wacad ku maray inuu weerarayo haddii Iiraan yeelato hubka Niyukliyeerka Madaweyne Joe Biden, ayaa ballan qaaday in Maraykanku “uu diyaar u yahay inuu isticmaalo dhammaan qeybaha kala duwan ee awooddiisa qaran”, si uu u hor istaagi in dowladda Iiraan hanato hubka Niyukliyeerka. Biden, ayaa hadalkan ku dhawaaqey maalinta labaad safar shaqo oo uu ku jooggo Israa’iil, xiligaasoo ay wada joogeen ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Yair Lapid. Israa’iil ayaa u aragta barnaamijka Niyukliyeerka Iiraan inuu yahay mid halis ah, inkastoo ay dowladda Iiraan ay ku adkeysatey inuu yahay mid nabad gelyo ah. Madaxweyne Biden ayaa maalinta JImcaha ah wada hadal la yeelan doona madaxda Falastiiniyiinta, kahor inta aanu u gudbin dalka Sucuudiga. Biden waxa uu ku qeexay balan qaadyo istiraatiijiyadeed oo is xigxiga, oo xoojinaya xiriirka Mareykanka uu la leeyahay Israa’iil, oo ah xulafada ugu dhow ee gobolka, document loo yaqaanay Bayaanka Wadajirka ah ee iskaashiga muhiimka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil. Waxa uu sidoo kale balan qaaday in Mareykanka uu “si wadajir ah ula shaqeyn doono dalalka kale ee bahwadaagta kamid ah, si loogga hortago gardarada iyo dhaq dhaqaaqyada xasilooni darida ay abuurto Iiraan, oo ay ku jiraan adeegsiga Iiraan ee “Ururada argagaxisada sida Hizbullah, Hamas iyo Islamic Jihad ee reer Falastiin. Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa in muddo dheer ah ku eedeynayey dowladda Iiraan inay maal galiso argagaxisada ka jirta Bariga Dhexe iyo meelo kalaba. Iiraan waxey dhaqaale iyo tababar siisaa dhaq dhaqaaqa xoogga ee Xisbullaah ee Lubnaan, iyo kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas, iyo Jihaad Islaamiga ka hawlgala Marinka Gaza. Iiraan ayaa beenisay iney taageerto argagaxisada, waxeyna sheegtay in ururada ay taageerto ay yihiin kooxaha wax iska caabinta ee dagaalka kula jira gardarrada Israa’iil iyo Mareykanka. Barnaamijka Niyukliyeerka ee Iiraan, ayaa wuxuu xiisad ka dhex aloosay dowladdani iyo dalalka Reer Galbeedka, oo uu Mareykanku ku jiro. Waxey jabisay Iiraan xadkii loo asteeyey inaaney ka gudbin, kaasoo ku saleysnaa heshiis la gaarey sanadkii 2015-kii, iyadoo la jabiyey heshiiskan sanadkii 2018-kii, xiligii maamulkii hore ee Donald Trump, oo dib usoo celiyey cuna qabateyn curyaamisay dhaqaalaha Iiraan. Maamulka Tehran, ayaa tilmaamey in barnaamijka Niyukliyeerka uu waligiis ahaa mid nabdoon, balse quwadaha Reer Galbeedka iyo hey’adda caalamiga ah ee ilaalisa Niyukliyeerka, ay tilmaameen inaysan ku qanacsaneyn hab dhaqanka Iiraan. Mareykanka iyo Israa’iil, ayaa marar badan ku cel celiyey in aaney marnaba ogolaan doonin in Iiraan ay hesho hubka Niyukliyeerka, haddana labada xulafo ayaa ku kala duwan sida hawshaas loo qabanayo. Biden, ayaa waxa uu doonayaa inuu dib usoo nooleeyo heshiiskii sanadkii 2015-kii, isaga oo lasoo baxay shuruudo adag, inkasta oo wada hadalo bilo qaatay oo la doonayey in lagu soo celiyo heshiiska ay hakad galeen. Israa’iil waxey dooneysaa in gabi ahaanba la joojiyo barnaamijka Niyukliyeerka ee Iiraan, waxeyna sheegtay inay xaq u leedahay isticmaalka xoog, haddii taasi ay lagama maarmaan tahay. Wareysi uu siiyey Channel 12 ee Israa’iil Arbacadii, Biden wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu awood u adeegsado Iiraan “haddii ay taasi tahay noqoto lagama maarmaan”. Safarka madaxweynaha ayaa waxaa ka muuqanaya tilmaamo ku saabsan xiriirka qotada dheer ee aan la gilgili karin, adag ama laf dhabarta ah, ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Mareykanka. Laakiin dhab ahaantii, qaar kamid ah Israa’iiliyiinta, ayaa aad uga walaacsan  inta sii socon karto siyaadda Mareykanka ee baritaarta dowladda Israa’iil. Mar wareysi lala yeeshay Madaxweyne Biden, ayaa lagu weeydiiyey hadalada kasoo baxaya xisbiga Dimuqraadiga, ee tilmaamaya in dowladda Israa’iil ay tahay mid ku dhisan midab takoor, kuwaasoo ku boorinaya dowladda Mareykanka iney joojiso taageerada hubka ee shuruud la’aanta ah. Waxa uu sheegay in fikradahani yihiin kuwo ay wadaan dad yar, isla markaana ah kuwo qaldan, isagoo dhanka kale carabka ku dhuftay in aaney sinaba u dhici doonin in xisbigiisa uu meel cidla ah kaga tagi doonin dadka Israa’iil. Jimcaha, Biden ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, isagoo kusugan Beyt Laxam, oo ku taalla Daanta Galbeed, ee dhulalka la heysto. Falastiiniyiinta ayaa doonaya in Mareykanku uu wax ka qabto sidii dib looggu bilaabi lahaa wada hadaladii nabadda ee Israa’iil, iyo in dib loo furo qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada Qudus, oo safaarad dhab ah u aheyd Falastiin, kahor inta aanu xirin maamulkii hore ee Madaxweyne, Donald Trump, ee sanadkii 2019-kii. https://www.bbc.com/somali/articles/c03gd3gxk34o +health "Mwende Mutiso ""Hal naas oo la iga gooyay micnaheeda ma aha in aan ka tagay dumarnimadii""" "Marka aad la kulanto Mwende Mutiso, waxaad la yaabeysaa sida ay u faraxsan tahay, una dhoolla caddeyneyso, iyadoo sheekada ku saabsan nolosheeda ay tahay mid aad u murugo badan. Xilli ay da'deedu ahayd 23 sano ayaa Musito waxaa ku dhacay cudurka kansarka naasaha. Mid ka mid ah horaaddadeeda ayuu saameeyay. ""Markii la ii sheegay inaan qabo kansarka naasaha, way igu adkaatay inaan rumeysto natiijada. Waxaan aaminsanaan jiray in kansarka naasaha uu ku dhaco oo kaliya dumarka da'doodu gaartay 40 sano iyo ka badan, waxaan is dhahay siduu gabar da' yar ugu dhici karaa cudurkaas? Balse taas ayay ahayd sababta keentay inaan fikirkeyga baddalo. Inta ka harsan nolosheyda,"" ayay tidhi Mwende. Natiijada ku saabsan inay cudurka qabto waxay heshay sanadkii 2016-kii, iyada iyo waalidiinteeana waxay go'aansadeen in ay isbitaallo kale ka hubsadaan waxa loo sheegay. Balse baaritaannadii oo dhan waxay noqdeen isku wada mid. ""Nooca daaweynta ee ay khubarada soo jeediyeen wuxuu ahaa mid ay ku baxeyso lacag malaayiin doolar ah, sidaas darteed waxaan ku khasbanaaday in hal naas la iga jaro, si loo hakiyo cudurka faafitaankiisa oo gaari karay jirka qaybihiisa kale,"" ayay tidhi Mwende. Waxay sheegtay in qalliinkii lagu sameeyay uu gebi ahaanba baddalay nolosheeda, balse ay heshay dhiirrigelin, ayna sii wadatay nolosheeda. Way dadaashay, inkastoo arrinta ku saabsan naaska laga gooyay ay la timid caqabado gaar ah, gaar ahaan sida looga arko dhanka bulshada, sida horayba ugu dhacday haweenka naaskooda ku waaya cudurka kansarka. ""Dabcan heerka naas nuujinta wuu i saameeyay, waxay ahayd markii ay nolosheyda billaabaneysay, waxay ahayd riyadeyda, waxaana is weydiinayay sida aan hal naas ula noolaan doono."" ""Ka haween ahaan, siduu isu baddali doonaa muuqaalkeyga, sidee ayay dharka iila ekaan doonaan,"" ayay ahaayeen su'aalaha igu taagnaa."" ""Taas keliyana ma ahayn, inaan ku fikiro dhimasho ayaa sidoo kale wax badan igu soo noqnoqtay,"" ayay tidhi. Waxay moodeysay mar haddii uu ku dhacay kansar in uu u billowday hannaanka dhimashada. Way noolaatay iyadoo uu ka maqan yahay hal naas, waxayna sheegtay in aysan la kulmin caqabado badan oo ay ka baqeysay, diyaar ayayna u ahayd inay ka hadasho xaaladdeeda. Waxay sheegtay in markii qalliinka lagu sameeyay ee ay bogsatay ay billowday inay xirato dhar u muujinaya in jirkeeda uusan waxba ka maqneyn. Balse markii ay Mwende ku laabatay baadhitaan kale waxay heshay natiijo kale oo naxdin leh. Waxaa loo sheegay in kansarka uu kusoo laabtay naaskii laga gooyay, uuna kusii fiday sambabbadeeda. Natiijadaas markii ay heshay da'deedu waxay ahayd 27 sano. ""Markii la iga helay kansar dheeraad ah oo faafay, dhakhtarku wuxuu ii sheegay in aanan sii noolaan karin sanad kale, waxay ahayd hal maalin ka hor inta aan la gaarin sanad guuradii dhalashadeyda, oo ku beegneyd 8-dii December, 2019-kii. Hadda labo sano kaddib wali waan noolahay,"" ayay tidhi. Mwende waxaa ka muuqata geesinnimo iyo dhiirranaan qeyrul caadi ah, inkastoo nolosheeda ay ku hareereysan yihiin waxyaabo murugo leh. Wxaa loo sheegay in ay nolosheeda halis ku jirto, dhimashadana usoo dhawaatay, balse iyadu waxay aaminsan tahay in nolosha ay tahay hadiyad uu siiyay Alle. Hadda oo ay 29 jir tahay, waxay sameysaa jimicsiyo iyo waxyaabo farxad gelinaya, sida in ay fuusho buuraha. Mar waxay ka mid ahayd dadkii fantay buurta caanka ah ee Mt. Kenya. Xiriirka dhanka ragga, kama aysan quusanin Mwende. Markii ugu horreysay ee xanuunka laga helay waxay xiriir lahaayeen nin aad uga caawiyay dhibaatada heysatay, dhiirrigelin badanna ay ka heshay. Wuxuu ahaa xiriir soo socday ilaa sanadkii 2020-kii, balse furriinkooda kuma saabsaneyn sababta kansarka ay qabto. Mwende waxay aaminsan tahay in dumarnimadu aysan ku xirneyn naas, ama qayb kale oo ka mid ah jirka, balse ay tahay qiimaha shakhsiyadda haweeneyda." https://www.bbc.com/somali/war-60929769 +business Ninka maalintiina wariyaha ah habeenkiina kabatolaha ah "Nin u dhashay Waddanka Hindiya oo kabatole ah ayaa sidoo kale noqday wariye, wuxuuna faahfaahinayaa sababta ku kalliftay inuu labadaas shaqo isku wado. Muuqaal ay ka diyaarisay BBC-da ayuu ku sheegay in ujeeddada ugu weyn ee uu wariyenimada ugu shaqeeyo ay tahay sidii uu u faafin lahaa wararka aan la sheegin ee ku saabsan magaaladiisa. ""Shaqadeyda kabo sameynta ah waxaan qabtaa laga billaabo 7pm fiidnimo ilaa saqda dhexe ee habeenkii. Maalintiina waxaan u shaqeeyaa wariye ahaan"", ayuu yidhi ninkan oo lagu magacaabo Suresh Nandmehar. ""Sababta aan wariyaha u noqday waxay ahayd maadaama ay lagama maarmaan ahayd. Mas'uuliyiinta dowladda waxay sanadkii 2002-dii nagu amreen inaan ka guurno meheradaheennii ganacsiga ee magaalada Bhopal. Waxaan ka codsannay inaysan naga rarin halkaas laakiin way na dhageysan waayeen wayna naga burburiyeen. Waxay nagu ahayd xaalad adag oo culeyskeeda leh. Qaar ka mid ah dadkii ay arrintaas saameynta ku yeelaneysay waxay i weydiiyeen sababta aysan warbaahintu u tabineynin wararka ku saabsan arrintaas nagu dhaceysay. Xilligaas ayey ahayd markii aan fahmay awoodda ay leedahay warbaahinta"", ayuu yidhi. Xilligaas wixii ka dambeeyay, Suresh Nandmehar Suresh wuxuu go'aan ku gaaray inuu wariye noqdo. ""Waxaan daabacaa Wargeys lagu magacagaabo Baal ki Khaal. Waxaan wargeyskeyga ku qoraa wararka ku saabsan dadka aniga ila midka ah, anigoo ka sheekeynaya xaaladaha ay wajahaan. Wali waxaan xasuustaa maalintii murugada badneyd ee nalaga kiciyay dhulkii aan ganacsiyada ku lahayn. Xilligaas warbaahinta gobolku nama aysan garab istaagin, hal sheeko oo nagu saabsanna ma aysan baahinin. Ma jirin cid maqashay dhibaatadeenna. Waxaan mudaharaadeynay 27 maalmood si aan u horjoogsanno go'aanka ay nagu rareysay dowladdu, xitaa anigu marna gurigeyga ma tagin intii uu mudaharaadkjaas socday, laakiin cid naga war heshay ma jirin"", ayuu yidhi Suresh. Isagoo ka sheekeynaya sidii uu go'aanka ku qaatay ayuu yidhi: ""Waxaan dhaar ku maray inaan arrintaas wax ka baddalo, waayo waxaan aaminsanaa haddii hal warbaahin oo kaliya xitaa ay warkeenna tabin lahayd in aannaan nalaga burburin lahayn meheradaheenna, shaqo la'aanna aysan nagu dhici lahayn. Xitaa ugu yaraan dowladdu waxay ku khasbanaan lahayd inay noo abuurto shaqooyin kale"". Inkastoo uu shaqada ku guda jiro, haddana wali wuxuu sii wadaa barashada saxaafadda, ""Laga soo billaabo sanadkii 2003-dii, si joogto ah ayaan u baranayay saxaafadda, maalin kastana wax cusub ayaan sii bartaa. Qoyskeyga ayaa taageerada ugu ballaaran isiinayay, wiilkeyga iyo gabadha aan sodogga u ahayba waxay iga caawiyaan sixitaanka qoraallada iyo xaqiijinta erayada ku haboon qormooyinka. Ganacsatada khudaarta, kuwa shaaha iibiya - dhammaantood waxay ii keenaan wararka xaqiiqda ah ee ka jira deegaanka, laakiin kabatoleyaasha ayaa ah wariyeyaasheyda joogtada ah, waxayna maalin kasta ii keenaan waxa cusub ee ka jira magaalada"", ayuu yidhi. Lacag yar ayuu ku iibiyaa nuqullada wargeyskiisa. Wuxuu xitaa lacag la'aan ku siiyaa dadka aan awoodda u lahayn inay iska bixiyaan kharashka lagu iibinayo. ""Wargeyskan waxaan akhrisanayay muddo 5 sano ah, wuxuu qoraa sheekooyinka ku saabsan dadka aan la daneynin, sababtoo ah dadka maalqabeennada ah mar walba wey heystaan cid wararkooda tabisa. Xitaa isagoo dhaqaale aad u yar ka hela kabaha uu sameeyo haddana wali wuu wadaa soo saarista wargeyskiisa, waa nin ay ka go'antahay inuu codkeenna kor u qaado, sidaas awgeedna aad baan u qaddariyaa aniga"", waxaa sidaas yidhi kabatole kale oo lagu magacaabo Ram Das Tiwari. Suresh wuxuu noo sheegay in sanadkii 2010-kii uu ku guuleystay abaalmarinta la siiyo wariyeyaasha muwaadiniinta ah, taasoo uu bixiyo jilaaga caanka ah ee shirkadda Bollywood-ka ee lagu magacaabo Amitabh Bachchan." https://www.bbc.com/somali/war-50347898 +politics F W de Klerk: Ninkii soo af-jaray xukunkii cunsuriga ahaa ee Koonfur Afrika "Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, FW de Klerk, sidoo kalena ahaa qofkii ugu dambeeyay ee cadaan ah ee hogaamiya dalkaas ayaa geeriyooday. Ninkan oo 85 jir ahaa ayaa horaantii sanadkan laga helay cudurka kansarka. Waxa uu xukunka qabtay 1989 kii, waagii nidaamkii midab takoorku jiray, kaas oo nidaam sharciyeynayey cunsuriyadda, hase yeshee markii dambe waxa uu noqday shakhsi qayb muhiima ku lahaa in dalku isku bedelo dimuqraadi. Wuxuu amar ku bixiyay in xabsiga laga sii daayo Nelson Mandela, taas oo horseeday doorashooyin taariikhi ah oo hoggaamiyihii ka soo horjeeday midab takoorku ku noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah. Xabsigii Mandela oo habeenkii lagu kireynayo $250,000 Ahmed Kathrada, ninkii la xirnaan jiray Mandela oo dhintay K Sawirro: Taariikh nololeedka Winnie Mandela De Klerk waxay Mandela ku wada guulaysteen abaalmarinta nabadda ee Nobel, oo wuxuu ku mutaystay sidii uu wada xaajoodka uga galay in la soo afjaro hanaankii midab takoorka ahaa. Laakiin sooyaalkiisa ayay ku kala aragti duwan yihiin dadka Koonfur Afrika. Markii uu geeriyooday ka dib, ayaa mu'asassadiisa FW de Klerk Foundation waxay baahisay muuqaal la sii duubay oo cinwaan looga dhigay ""farriintiisii u dambaysay"" taas oo uu kaga hadlayo midabtakoorka. ""Aan maanta mar kale ku celiyo fariintan u dambaysay, anigoon darajo sheeganayn, aan idhaahdo waxaan raali gelin ka bixinayaa xanuunka iyo dhaawaca, iyo sharaf-darrada iyo dhibaatada gaadhay dadka madow, kuwa maarriinka ah iyo Hindida Koonfur Afrika,"" ayuu yidhi. Mu'asassadda ayaa sheegtay in De Klerk uu ku dhintay gurigiisa isagoo mudo dheer la daalaa dhacayey cudurka mesothelioma oo ah kansar ku dhaca xuubka xuubka sambabada. Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa yidhi waa in dhimashada De Klerk ""ay dhammaanteen ina xasuusisaa curashadii dimuqraadiyadeena"". Ka dib markii uu ku shaqeynayay in ka badan toban sano qareenimo, De Klerk wuxuu ku guuleystay kursi baarlamaan oo wuxuu ka soo baxay xisbiga National Party, oo ahaa xisbigii abuuray nidaamka midab takoorka sannadkii 1948. Waxa uu soo qabtay jagooyin dhawr ah oo wasiirnimo ah ka hor inta aanu la wareegin hogaanka xisbiga bishii February 1989, bilo ka dibna waxa uu noqday madaxweyne. De Klerk waxa uu ahaa nin si adag u aaminsan midab takoorka, laakiin markii uu xukunka qabtay waxa uu si cad ugu baaqay in loo baahan yahay Koonfur Afrika oo aan cunsuri ahayn. Soomaaligii gacanta ka geystay siidayntii Nelson Mandela Warqad uu Maxamed Cali u diray Mandela oo la iibiyay Khudbad caan ah oo uu baarlamaanka ka jeediyay 1990-kii ayuu ku sheegay in uu meesha ka saaray mamnuucida xisbiyadii uu ka midka ahaa kii Mandela ee African National Congress (ANC) wuxuuna sheegay in uu amrayay in xabsiga laga sii daayo Mandela 27 sano kadib. Ficilkiisu waxa uu gacan ka geystay soo afjaridda xilligii midab takoorka ee Koonfur Afrika, wuxuuna noqday mid ka mid ah labadii madaxweyne ku xigeen ee dalkaas ka dib doorashooyinkii xisbiyada badan ee 1994-kii oo Mandela uu noqday madaxweyne. De Klerk waxa uu ka fadhiistay siyaasadda sannadkii 1997-kii isag oo yidhi ""Waxaan aaminsanahay in go'aankayga ay danta dalka iyo ta xisbiguba ku jirto."" In kasta oo xidhiidhka De Klerk iyo Mandela uu inta badan ahaa mid khilaaf ba'an, haddana madaxweynaha cusub waxa uu ku tilmaamay ninka uu kala wareegay taladu inuu ahaa qof daacad ah. Bayaan ay soo saartay Khamiistii, Mu'asasada Nelson Mandela ayaa lagu sheegay in De Klerk ""weligiis taariikhda Koonfur Afrika la xusi doonto Nelson Mandela"". ""Sooyaalka De Klerk waa mid weyn sidoo kale waana mid aan marin keliya lahayn marka waana mid mudan in dadka Koonfur Afrika ay haatan garawsadaan"". Dad badan ayaa ku eedeeyay De Klerk inuu mas'uul ka ahaa rabshado loo geystay dadka madow ee Koonfur Afrika iyo dadka u ololeeya ka hortagga midab takoorka intii uu xukunka hayay. Sannadkii hore ayuu mar khilaaf dhaliyey oo waxa lagu eedeeyay in uu hoos u dhigay dhibaatadii midab takoorka, ka dib markii uu sheegay in aanu si buuxda u aaminsanayn isaga oo ka jawaabaya su'aal weriye weydiiyey oo ahay inuu aaminsan yahay in nidaamkaasi ahaa dembi aadamenimada laga galay. De Klerk ayaa se markii dambe raaligelin ka bixiyay hadalkaa la ""qoonsaday"". Qareenka u dooda xuquuqul insaanka ee Howard Varney la yidhaa ayaa Khamiistii ku tilmaamay inuu yahay ""nin niyadda kala jiray midab takoorka"", halka ururka Fort Calata Foundation oo u ololeeya caddaaladda dadka uu dilay taliskii hore ee caddaanka tirada yari ay ku tilmaantay ""dambiile midab takoor"". Farriinta muuqaalka ah ee la sii daayay dhimashadiisa ka dib, De Klerk wuxuu ku sheegay in uu marar badan ""raali-gelin ka bixiyay xanuunka iyo sharaf-darrada uu midab takoorku u keenay dadka aan caddaanka hayn ee Koonfur Afrika"". Dhambaalkiisii tacsida ayaa Ramaphosa waxa uu De Klerk ku ammaanay ""doorkii muhiimka ahaa"" ee uu ka qaatay u gudbida dimuqraadiyadda Koonfur Afrika, in kasta oo ""cadaadis adag oo liddi ku ah uu kala kulmay dad badan oo ka tirsan xisbigiisii siyaasadeed"". Xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn Koonfur Afrika, Democratic Alliance, ayaa sheegay in aan la soo koobi karin doorkii uu De Klerk ku lahaa in dalku u guuro hanaan dimuqraadi ah. Ra'isal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay in De Klerk lagu xasuusan doono ""miiganaantiisii iyo dhab ka hadalnimadiisii uu waxa saxda ah ee u muuqda aanu kaga leexan jirin""." https://www.bbc.com/somali/59256799 +entertainment Guur doon: Nin boor waddada surtay si uu u helo xaas "Nin guur doon ah ayaa adeegsanaya boorar waaweyn oo ay ku qoran yihiin farriimo cajiib ah oo uu ku baadi-goobayo xaas. Muhammad Malik, oo 29 jir ah, ayaa boorar xayeysiinno ah oo uu surtay waddooyinka London iyo Birminghama ku ogeysiinaya haweenka inuu yahay qof madax bannaan. Waxaa ku qoran: ""Iga badbaadi guurka la soo qorsheeyay,"" oo uu ula jeedo in aanu dooneyn gabar lagu daray. Wuxuu sheegay inuusan arrintaas ka soo horjeedin balse uu door bidayo inuu isku dayayo inuu ""iskiis qof u helo"". Balse ilaa iyo haatan baadi-goobkaas waxba ugama miro dhalin ninkan la taliyaha u ah banki ku yaalla London wuxuuna rajeynayaa inuu sameeyo website gaar ah oo lagu magacaabo - findmalikawife.com - uu beddeli doono nasiibkiisa. Tan iyo intii uu boorarkaas suray Sabtidii, Mr Malik ayaa sheegay inuu helay boqollaal farriimo ah oo ka yimid hablo isaga daneynaya. ""Weli ma helin waqti aan ku eego,"" ayuu yiri. ""Waxaan u baahanahay inaan waqti u qoondeeyo."" Mr Malik ayaa sheegay inuu isku dayay habab dhowr ah oo uu kula kulmo hablo kahor inta uusan boorarka surin waddooyinka. ""Waxaan ka soo jeedaa Pakistan gaar haatan Desi,"" ayuu yiri, ""marka waxa ugu horreeya ee naloo sheego waa awoodda eeddoyaasha."" Balse habkaas ""ma uusan shaqeyn"". Waxaa haddana jiray apps-ka la isku shukaansado iyo shukaansi dhex maray hablo, balse wuxuu sheegay inuusan taas ku qancin. Ugu dambeyn, qof saaxiibkiis ah ayaa u soo jeediyay inuu isku dayo inuu is xayeysiiyo. Mr Malik ayaa yiri: ""Waxaan iri 'maxaan ku diidayaa - waa maxay waxa ugu xun ee dhici kara'?"" Borarkan, oo waddooyinka surnaan doona ilaa 14 January, ayaa waxaa taageeray qoyskiisa, iyadoo markii hore aysan waaliddiintiisu ku qanacsaneyn, inkastoo uu qirtay in Mr Malik ayaa sheegay in gabadha uu jeclaan lahaa inuu nolosha la wadaago ay noqon doonto Muslim iyo qof ay si fiican isku fahmaan waaliddiintiisa." https://www.bbc.com/somali/war-59904412 +politics Taleefankii gacanta raysalwasaarihii hore ee UK oo la sheegay in la jabsaday "Dowladda ayaa loogu baaqay inay furto baaritaan ku saabsan sheegashada ah in  ra'iisul wasaarihii hore ee UK Liz Truss taleefankeeda la jabsaday xilligii ay ahayd xoghayaha arrimaha dibadda. Wargeyska The Mail ayaa qoray axaddii in fariimo gaar ah oo u dhexeeyay Ms Truss iyo saraakiil ajnabi ah, kuwaas qaarkood ku saabsanaayeen dagaalka Ukraine, ay ku dhaceen gacmo shisheeye. Jabsiga ayaa la ogaaday intii lagu jiray ololihii hoggaanka Tory ee xagaaga laakiin warkii waa la xakameeyay, ayuu yidhiwargeysku. Dawladdu waxay sheegtay in ay sameeyeen ilaalin ""xoog leh"" iyo iska difaacid khatareed oo kasta oo dhanka internetka ah. Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dawladdu ""aanay ka hadlin hab-dhaqanka amniga ee shakhsiyaadka"". Faahfaahinta ku saabsan jabsiga ayaa waxaa xakameeyay ra'iisul wasaarihii xilligaas Boris Johnson iyo xoghayihii golaha wasiirada Simon Case, wargeyska The Mail ayaa baahiyey warkan iyagoo soo xiganeya ilo u gaar ah iyaga. Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in fariimo gaar ah oo ay is dhaafsadeen Ms Truss iyo Kwasi Kwarteng, oo ah saaxiibkeed ay isku dhow yihiin oo ay wasiir ka dhigtay markii ay ra’iisal wasaare noqotay, uu sidoo kale kashifay jabsiga lagu eedeeyay. Ma cadda sida ay wax u dhaceen, balse xisbiyada mucaaradka ayaa arrintan la aad u hadal haya. ""Sidoo kale waxaa jira su'aalo amni oo halis ah oo ku xeeran sababta iyo sida xogtan loo faafiyey ama hadda loo sii daayay taas oo ay tahay in si degdeg ah loo baaro."" Ayuu yidhi xoghayaha arrimaha gudaha Yvette Cooper. Wargeyska Mail on Sunday ayaa sheegay in wakiilo looga shakisan yahay inay u shaqeynayeen Ruushka ay mas’uul ka ahaayeen jabsigaan, isagoo soo xiganaya ilo aan la magacaabin, balse BBC-da ma uma suuragelin inay xaqiijiso arrintan. Layla Moran oo ah afhayeenka xisbiga Libaraalka ee arrimaha dibadda ayaa walaac ka muujisay sababta jabsiga la sheegay aan horay loo shaacin. ""Waxaan u baahannahay baadhitaan madax-bannaan oo degdeg ah si aan runta u ogaanno,"" ayay tiri Ms Moran. ""Haddii ay caddaato in macluumaadkan laga qariyey dadweynaha si loo ilaaliyo dalabka hoggaanka Liz Truss, taasi waxay noqonaysaa mid aan la cafin karin."" Dawladdu way diiday inay ka hadasho mid ka mid ah tafaasiisha uu qoray Mail on Sunday. ""Dowladdu waxay leedahay habab adag oo looga hortagayo khataraha internetka,"" ayuu yiri afhayeen u hadlay. ""Taas waxaa ka mid ah warbixinnada amniga ee joogtada ah ee wasiirrada, iyo talo ku saabsan ilaalinta xogtooda gaarka ah iyo yareynta khataraha internetka.""" https://www.bbc.com/somali/articles/c29e1r5r39ko +business Labo doolar ayey u kala qeybisay wax ay ilmaha cunto ugu iibiso iyo wax ay isku disho "Maalintii ay Prema Selvam timaheeda ku iibisay 150 rupees ($2; £1.50) si ay ugu quudisho carruurteeda yar yar waxay ahayd tii ugu xumeyd ee soo martay nolosheeda. Hooyadan oo dhashay saddex carruur ah waxay horay u weysay seygeeda, ka dib markii uu isku dilay walwal uu ka dareemayay deymo badan oo lagu lahaa. Xitaa markii ay sidaas dhacday wali waxay lahayd rajo. Laakiin markii ay timaheeda iibisay, waxay wajahday culeys aad u weyn maadaama aysan u harin wax kale oo qiime u goyn kara. Ma jirin lacag ay ku bixiso deymaha lagu leeyahay, mana aysan heli karin kharash ay raashin ugu soo iibiso ilmaha. Balse wixii markaas ka dib dhacay ayaa dhiirrigalin siiyay dadka ku nool guud ahaan waddanka Hindiya. Ka hor inta uusan dhimanin, Prema iyo seygeeda waxay ka shaqeyn jireen warshad bulukeediga guryaha lagu dhiso sameysa oo ku taalla gobolka Tamil Nadu ee koonfurta Hindiya. Waxay halkaas kasoo saaran jireen quutuldaruurigooda oo kaliya. Laakiin waxay rajeynayeen inay wax intaas ka badan heli doonaan. Seygeeda wuxuu lacag deyn ah u qaatay inuu sameysto warshad u gaar ah, laakiin qorshihiisu wuxuu guul darreystay. Markii uu walwalka ka batay ayuu isdilay sanadkii lasoo dhaafay, isagoo biyo isku qarqiyay. Culeyskii oo dhan wuxuu kusoo haray Prema kaligeed, waxa laga rabayna ma ahayn kaliya lacagta ay carruurteeda ugu iibin lahayd cunto, dhar iyo kirada kuriga, balse waxaa kale oo laga sugayay inay bixiso deyntii lagu yeeshay ee ku gashay ganacsigooda hungoobay. Muddo gaaban waxaa u suurtagashay inay labadeeda carruurta ah ee sii yar yar u kaxeysato goobta shaqada, si ay ula shaqeeyaan. ""Marka aan shaqada aadi jiray waxaan soo heli jiray 200 rupees ($2.80) maalintiiba, taasoo ku filneyd biilka reerka"", ayey tiri Prema oo xaaladdeeda u sharraxeysay BBC-da. Laakiin markii dmabe way xanuunsatay, taasoo ka dhigan inaysan lacag saas u sii badan shaqeysan karin. ""Ma awoodi karin inaan qaado bulukeetiyo culus. Inta badan guriga ayaan iska joogi jiray anigoo qandheysan"", ayey tiri. Waxay xanuunsaneyd saddex bilood - waxaana la gaaray xilli ay ku bateen deymaha, dadkii deynta ku lahaana uu dulqaadkii ka dhammaaday. ""Wiilkeyga toddoba jirka ah ayaa iskuulka ka yimid wuxuuna i weydiistay cunto"", ayey tiri iyadoo xasuusaneysa wixii soo maray maalin maalmaha ka mid ah. ""Ka dib wuxuu billaabay inuu u ooyo baahi darteed"". Prema ma aysan lahayn hanti, dahab, waxyaabo qiima leh ama xitaa alaabta jikada, si ay ugu baddalato lacag. ""Xitaa ma aanan heysanin lacag gaareysa 10 rupee [$0.14; £0.11]. ""kaliya waxaan heystay dhowr baaldi oo caag ah"", ayey tiri. Ka dib waxay ogaatay inuu jiro wax kale oo ay iibin kartay intaasoo dhan ka dib. ""Waxaan soo xasuustay inuu jiray dukaan timaha iibsada"", ayey tiri Prema, iyadoo markaas ka fikireysay inay timaheeda iska iibiso. Hindiya waa mid ka mid ah dalalka ugu horreeya caalamka ee dibadda u suuq geeya timaha bani'aadamka, kuwaasoo dunida loogu iibiyo si ay dadka kale timahooda ugu badsadaan. Qaar ka mid ah dadka reer Hindiya waxay timahooda ugu deeqaan macbadyada, ka dib markii ay isdareensiiyaan in ducooyinkooda la aqbalay. ""Halkaas ayaan tagay, timihii madaxeyga ku yaallay oo dhan ayaana ku iibsaday 150 rupees ($2; £1.50)."" Lacagtaas waxaa laga yaabaa inaysan aad u badneyn markii afka laga sheego - haddii makhaayad ku taalla magaalo weyn lala tagana, waxay goyn kartaa qado ku filan hal qof, laakiin Prema waxay tuuladeeda yar uga heshay wax intaas ka badan. ""Waxaan ku helay saddex saxan oo bariis karsan ah, oo midkiiba la gado 20 rupees, waxaana u geeyay carruurteyda saddexda ah"", ayey tiri. Laakiin xaaladda xun wali lagama bixin, oo Prema waxay ogeyd in aysan wax kale u harin, maalmo kalena ay soo socdaan. Waxay aadday dukaan ay rajeyneysay inay ka hesho wax ay isku disho. Laakiin ninkii dukaanlaha ahaa markii uu arkay xaaladda ay ku jiro wuxuu dareemay inay fal xun ku dhaqaaqi rabto, wuuna u diiday wax kasta oo ay rabtay inay ka iibsato. Prema waxay ku laabatay guriga, iyadoo ka fikireysa wax kale oo ay isku dili karto. Nasiib wanaag, waxaa badbaadisay walaasheed, oo dariskeeda ahayd ka dib markii ay lasoo kulantay wakhti fiican. Ka dibna, maalmo yar ka dib, caawinaaddii ay baahida xad-dhaafka ah u qabtay waxay ugu timid si lama filaan ah. Nin lagu magacaabo Bala Murugan ayaa maqlay xaaladda ay ku jirto Prema, waxaana uga sheekeeyay qof saaxiib la ah isaga oo warshad bulukeetiyada sameysa ku leh aaggaas. Islamarkiiba wuxuu soo xasuustay sida ay qoyskiisa ugu dhibaatoodeen xaalad noocaasoo kale ah. Bala wuxuu yaqaannaa sida uu faqriga u dhibaateeyo dadka - isagoo ay da'diisu tahay 10 sano ayey qoyskiisa ku dhacday cunto la'aan. Hooyadiis waxay iibisay buugaagtoodii hore iyo warqado wargeysyo la akhristay ah, si ay cunto ugu soo iibiso qoyska. Ka dibna walwal badan awgiis, Bala hooyadiis, oo ku nooleyd gobolka Utter, waxay go'aansatay inay isdisho iyada, carruurteedana disho. Laakiin go'aankeeda ku saabsanaa dilka carruurta waxay baddashay daqiiqaddii ugu dambeysay: Qoyska ayaa isbitaal ula cararay hooyadii, waana la badbaadiyay. Bala wuxuu hadda ku jiraa nolol aad uga fog faqrigii uu kusoo koray. Ka dib markii uu dhowr sano dadaalay, waxaa u suurta gashay inuu faqriga ka baxo, wuxuuna sameystay shirkad kumbuyuutarrada ku sameysa sawirrada naqshadaha. Haddana, wuxuu helay fursad uu ku caawiyo qof xaaladdiisa oo kale soo maray: Bala wuxuu u sheegay Prema sida uu kusoo koray, wuxuuna ku dhiirrigaliyay inaysan niyad jabin. Isaga iyo saaxiibkiis Prabhu oo wada jira waxay xoogaa lacag ah siiyeen hooyadan, si ay cunto ugu iibsato. Ka dib Bala wuxuu baraha bulshada ku qoray sheeko ku saabsan qoyska haweeneydan. ""Hal maalin gudaheed, waxaan helay lacag dhan 120,000 rupees ($1,670). Markii aan u sheegay Prema aad bay ugu faraxday waxayna ii sheegtay in kharashkaas ay ku bixin karto inta badan deymaha lagu lahaa"", ayuu yiri isagoo u warramaya BBC-da. Laakiin codsi ka yimid Prema awgiis ayaa loo joojiyay dhaqaale aruurintii. ""Waxay sheegtay inay dib ugu laaban doonto shaqadeeda ayna iska bixin doonto waxa haray"", ayuu yiri Bala. Hadda waxay awooddaa inay bishiiba iska bixiyo 700 rupees($10) oo deynta lagu leeyahay ah, halka xafiiska degmada ee dowladdana uu u ballan qaaday inuu garab istaagi doono, una sameyn doono ganacsi iibinta caanaha ah. Prema si tartiib tartiib ayey cagaheeda ugu istaageysaa mar kale, laakiin xaaladdeeda dhaqaale ma aha mid iyada kaliya ku eg. Malaayiin qof oo reer Hindiya ah ayaa ku dhibaatooda sidii ay raashin u heli lahaayeen. Sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka, Hindiya waa waddanka labaad ee ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee uu faqriga saameeyay. In badan oo ka mid ah shacabka ayeysan u suurtoobin inay maalintii helaan wax ka yar $2 doolar. Prema waxaa heysata caqabad kale oo ah inaysan waxba qori karin, waxna akhrin karin, taasoo ay kala mid tahay tobannaan malyan oo reer Hindiya ah. Taas waxay u sababtay inaysan xitaa ka warheynin qorsheyaasha dhaqaale ee ay dowladdu ugu talagashay in lagu caawiyo dadka iyadoo kale ah. Dhinaca kalena, nidaamyada ay isticmaalaan bangiyada qaranka waa kuwo ku adag dadka saboolka ah ee doonaya inay deymaha ka qaataan. Sidaas darteedna Prema iyo seygeeda waxay lacag ka deysadeen dadka maxalliga ah ee deymaha bixiya. Laakiin hadda waxay garab ka heleysaa dadka bulshadeeda ka tirsan, sidoo kalena Bala ayaa u ballan qaaday inuu sii wadi doono caawinteeda. ""Hadda waxaan ogaaday in go'aanka isdilitaanka uu ahaa mid khaldan"", ayey tiri. ""Waxaan kalsooni ku qabaa inaan iska bixin doono deymaha igu haray""." https://www.bbc.com/somali/war-51354116 +politics Tigreega oo amar ku bixiyey dhammaan xubnaha ku matala dowladda dhexe iney iscasilaan "Xisbiga Xoreynta Shacabka Tigreega ee TPLF ayaa xubnaha ku magaacaban xilalka dowladda dhexe, golayaasheeda wakiillada shacabka iyo golaha Federeeshinka ku amray dhammaantood iney iska casilaan xilalka ay ka hayaan dowladda dhexe. Getachew Reda oo ah xubin ka mid ah guddiga fulinta xibiga TPLF oo BBC u warramay wuxuu sheegay mudda xileedka baarlamaanka dalkai Itoobiya loo doortay inuu ku ekaa maalinti shalay, dowladdi uu baarlamaankaasi dhisay iyo xukumaddi uu magacaabay intaba muddo xileedkooda uu ahaa shan sana oo keli ah uuna dhammaaday. ""Kulanka wadajirka ee sanadka 6-aad oo ay maalinti shalay ahayd ku yeesheen magaalada Addis Ababa xubnaha labada aqal ku matala deegaanka Tigreega kama aysan qayb gelin"" ayuu yiri. ""Xildhibaannada deegaanka Tigreega ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan. Baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray"" ayuu yiri. Maalinti shalay ahayd labada gole waxay yeesheen munaasabadda furitaanka kulankoodi caadiga ahaa. Kulanka labada gole ay yeesheen oo ka qabsoomay xafiiska ra'isal wasaaraha Itoobiya waxaa khudabadda furitaanka oo ku qotonto jihooyinka siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ee sanadkan hadda u billowday soo jeedisay madaxweynaha dalkaasi Sahlewarqi Zewde. ""Wakhti xaadirkan Ra'isal wasaaraha iyo golahiisa wasiirrada iyo xubnaha labada aqalba ma haystaan wax sharci ah oo u oggolaanayo iney xilka sii hayaan, laga billaabo maantana xubnahaasi wax xiriir ah lama yeelan doonno"" ayuu yiri Getaachew. Hase yeeshee deegaanka Tigreega wuxuu wadashaqeyn u la yeelan doonaa hay'adaha garsoorka, ciidamada gaashaan dhigga, hay'adaha u xilsaaran bixinta awaamiirta dibloomaasiyadda iyo hay'adaha kale ee bixiya adeegyada dhaqaale iyo mid bulsho oo muwaaddiniinta waxtarka u leh. Guddoomiyaha aqalka sare ee Itoobiya Adan Faarax ayaa Jimcihii sheegay in dowladdu ay u bannaan tahay qaabab kala duwan oo ay ula macaamili karto xiisadda gobolka Tigreega, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la laalo gabi ahaanba aqoonsiga maamulka deegaanka Tigreega kaddibna la dhiso maamul ku meel gaar ah dowladda dhexe hoostaga, inay xilka ka qaaddo xubnaha sare ee gobolka iyo iney ciidamada qaranka u dirto deegaankaasi. Dhanka kale, ismaamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taas oo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo. Dhawaan ayay ahayad markii deegaanka Tigreega laga qabtay doorasho ay sharci daro ku tilmaamtay dowladda dhexe ee Itoobiya. Hase yeeshee, maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanaya Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba. Doorashada guud ee dalkaasi Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen 9 bilood ilaa sanad in doorashada dib loo dhigo." https://www.bbc.com/somali/war-54429162 +politics Stanislav Petrov: Ninka dunida halista nukliyeerka ka badbaadiyey "Soddon sana ka hor oo ay taariikhdu ku beegneyd 26-kii September, 1983, dunida waxay ka badaadday dagaal la isu adeegsan rabay hubka Niyuukilarka. Gelinka hore ee maalintaas waxaa dhawaaqay seeriga digniinaha hubka kaas oo sheegayey in Mareykanka uu Ruushka gantaallo ku soo riday ayna ku soo wajahan yihiin. Xogta Kombiyuutarka laga helay ayaa sheegeysay in dhowr gantaal Ruushka lagu soo riday. Sharciga ciidan ee Ruushkana wuxuu dhigayey in gantaal Niyuukilarka ee la soo riday Gantaal kale oo Niyuukilar ah loogu jawaabo. ""Waa markan oo kale xilli uu qofka u baahan yahay inuu maskaxadiisa iyo dareenkiisaba si aad ah uga shaqeysiiyo,"" ayuu yiri wiilka uu dhalay Gaashaanle Dhexe Stanislav Petrov oo ah ninka 1983 dagaal Niyuukilayer dunida ka badbaadiyey. Xukumaddi Dimitry Petrov aabbihii wuxuu ka joogay halki ugu mudnaa iyo xilligi ku habboonayd. Wuxuu sheegay in aabbihii Gaashaanla Dhexe uu ka mid ahaa ciidamada cirka Midowgi Sofiyet, wuxuuna ka soo shaqeeyey xerada serpukov-15 oo ogaatay digniinti ugu horreysay ee gantaallada riddada dheer oo dhanka Mareykanka laga soo riday. Habeennimadi September 26, 1983, Petrov wuxuu baddalay saaxibkii isaga oo shaqada xilli habeen ah soo galay. Haddaba seeriga (alarmiga) muujinayay in Mareykanaka gantaal uu soo riday ayaa dhawaaqay. Isaga iyo saaxibkiina waxay hubiyeen dhawaaqa seeriga ee baxayay inuu ahaa mid sax ah iyo mid cillad farsamo ku yimid. Waxayna labadoodiba isla qaateen gantaalka uu raadaarka soo qabtay inay dhanka dayax gacmeedka kala socdaan balse uma suuragelin inay gantaalkii dayax gacmeedka ku arkaan. Xilligaas waxaa adkeyd in meel fog laga arko gantaalka, maxaa yeelay qorraxdu waa ay sii dhacaysay.Waxaa kale oo jiray khadka teerminator-ka, ee habeen iyo maalin u dhexeeya, marka laga reebo in dayax-gacmeedka laftiisa uu khadkaas ku jiray.Petrov wuxuu haystay wax ka yar hal saac si uu u go'aamiyo in gantaal Niyuukilar ah la soo riday iyo in kale.Xilligaana wuxuu ahaa wakhti uu xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Midowga Soofiyeeti aad u xumaaday. Khilaafka waxa uu ku lug lahaa waxa loo yaqaan Euromissiles.Wuxuuna khilaafka soo billaawday 1970-meeyadii, wuxuu 1983 gaaray halki ugu sarreysay. Xilligaas wuxuu ahaa mar ay Midowgii Soofiyeeti cusboonaysiinayeen gantaalladooda riddada dhexe, iyada oo gantaallo cusubna ay ku beddeleen kuwii hore. Talaabadaas Sofiyeet ay qaadday ayaa dhalisay inay cabasha badan kaga timaaddo waddamada reer Galbeedka. Mareykanka oo cabashada waddamada reer galbeedka ka jawaabayay wuxuu qorsheeyay inuu laba gantaal oo khatar ah u diro Galbeedka Yurub, gantaalahaas oo kala ahaa Pershing II iyo gantaalaha riddada dheer loo adeegsado. Sannadkii 1983 ayey ahayd markii ay gantaalladan Yurub soo gaadheen. Xaaladdaha noocas ee kacsanayd marka ay jireen, go'aan culus oo la qaato ayaa keeni karo dagaal Niyuukilar oo lagu halaagsamo. Seeriga ayaa dhowr jeer dhawaaqay si uu u muujiyo in gantaallo kale la soo riday. Nidaamka looga hortago gantaalahana waa mid si aad ah loogu kalsoonaan karay xilligaasi. Petrov waxa looga baahnaa in uu u sheego taliyaha ka sarreeya oo uu ogaa in haddii uu caddeeyo in Maraykanka uu gantaal soo riday in Midowgii Soofiyeeti uu isna ka jawaabi doono. Shaqadiisana waxay ahayd inuu go'aan ka gaaro. Horaana taa loogu soo tababaray. Aabbahay waxa uu la kulmay xaalad aad u adag, sababtoo ah in la rido hal gantaal ma noqonayso fal dagaal balse waxaa ka dhalan karay weerarro isdaba joog ah. Ma uusan rumaysnayn inuu dagaal dhici doono, sababtoo ah ma jirin cid guulaysaneysa. Markaa ayuu taleefoonka qabtay oo uu sheegay in nidaamka ka hortagga gantaalaha uu xog been ah bixinayo. Taas waxay ahayd gef weyn oo ka dhan ah awaamiirtii uu sargaal ku dhaqmi lahaa. Waxa ugu muhiimsan ee ay ahayd inuu sameeyo inuu farriinta u gudbiyo sargaalkii ka sarreeyay. Laakiin waa go'aanka badbaadiyay adduunka. ""Ma jirin shuruuc ku saabsan waqtiga naloo oggolaaday in aan ka fikirno ka hor inta aan la soo sheegin shaqo joojin. Laakiin waxaan ogeyn in dib u dhigista labaad ay qaadatay wakhti muhiim ah; in hoggaanka militariga iyo siyaasadda ee Midowga Soofiyeeti loo baahnaa in lagu wargeliyo iyada oo aan dib loo dhigin."" ""Waxa kaliya ee ay ahayd in aan sameeyo waxay ahayd in aan helo taleefoon, si toos ah uga qabto khadka Taliyayaashayada - laakiin ma dhaqaaqi karin, waxaan dareemay inaan fadhiyo meel dabka lagu shido,"" ayuu raaciyay. ""Waxaan haystay dhammaan xogta si aan u aqoonsado inuu jiray weerar iyo inkale. Haddii aan warbixintayda u diri lahaa kii iga sarreeyay, cid diidi lahayd ma jirto,"" ayuu BBC Russia ka soo xigtay 30 sano ka dib habeenkaas taariikhiga ah. Inkasta oo nooca digniinta ay u muuqatay mid cad, Mr. Petrov wuxuu u badiyey shaki. Marka laga reebo xirfadlayaasha IT-ga, ee isaga la midka ahaa ee Midowga Soofiyeet, waxay lahaayeen khubaro kale, oo sidoo kale baarayay awoodda gantaallada Mareykanka. Koox ka mid ah shaqaalaha raadaarka dayax-gacmeedka ayaa u sheegay in aysan arag wax gantaal ah. Mr Petrov - oo shaqada ka fadhiistay isaga oo Gaashaanle Dhexe ah ka hor dhimashadiisa, ayaa ka mid ahaa saraakiishii qaatay tababarka sare ee ka soo shaqeeyay mid ka mid ah cutubyadii digniinta hore ee ciidamadii Soviet-ka. Tijaabooyin la sameeyay ayaa muujiyay in dayax-gacmeedka uu ku wareeray falaadhaha cadceedda ee ka soo laabanayay daruuraha. Sannadkii 1984, Petrov shaqadii wuu ka fariistay wuxuuna u guuray Fyrazino, oo ah magaalo yar oo ka baxsan Moscow.15 sano ka dib, 1998 ayuuna warkiisa soo shaac baxay. Arrinka kamuu hadlin, ma jeclayn in uu xasuusto haba yaraatee, waayo waxa uu ku jaahwareeray xaaladdan la yaabka leh. Ka dib markii uu soo baxay warka, Petrov, waxaa booqday warbaahinta, wuxuuna bilaabay inuu helo warqadaha dadka daafaha dunida ku kala nool ay u soo dirayaan. Xataa haddii ciwaankiisa uu ahaa mid aan la garanaynin mararka qaarkood, haddana ma jirin ciwaan boosto, nambar telefoon, farriin fakis ama xataa iimayl midna ma jirin. Karl Schumacher oo u dhashay Jarmalka ayaa booqday Petrov 1998-kii. Wuxuuna yiri marki aan la kulmay wuxuu igu yidhi soo gal, ka dibna waxaan soo fadhiisanay miiska jikada yaallay. Waxa aan rabay in aan barto iyada oo aan doonayay in aan u mahadceliyo. Saaxiibtinimadooduna waxay socotay ku dhawaad ​​20 sano. Petrov wuxuu ahaa mid caalami ah oo la aqoonsan yahay oo la abaalmariyay, wuxuu ku faani jiray go'aankiisa wanaagsan. Sababtoo ah waxa uu ka fikirayay nuska saac ee saldhiggaas 'waa inaan go'aan ka gaaro, laakiin ma noqon doontaa go'aan sax ah? Oo wuxuu rabay inuu noqdo go'aanka uu qadanayo mid sax ah. Stanislav Petrov wuxuu dhintay May 2017-kii." https://www.bbc.com/somali/war-59235986 +politics Ciidamada Hindiya iyo Shiinaha oo feer iskula tagey Sida ay ku warantahay warbaahinta dalka Hindiya,tobanaan ka tirsan ciidamada Hindiya iyo kuwa Shiinaha ayaa is waydaarsaday feer isku dhac ku dhex maray xuduudda ay wadaagaan labada dal. Todobo ka tirsan Ciidamada Shiinaha iyo afar ka tirsan kuwa Hindiya ayaa dhaawacyo soo gaareen sidaas waxaa warbaahinta u sheegay sargaal sare oo xuduudda gobalka Sikkim ku sugan. Taliyaasha hoggaamiya ciidamadaan ayaa arrintaan oo Sabtidii dhacday soo kala dhexgalay iyadoo markii dambana ay xal ka gaareen. Labada dal waxaa ka dhaxeeya tartan dhanka dhul xuduudeed gaaraya 3,400 Kiilomitir kaas oo mararka qaar sababa isku dhac iyo muran. Tifaf-tiraha BBC-da ee koofurta Asia Anbarasan Ethirajan, ayaa soo sheegaya in mararka qaar ay isu adeegsadaan labada ciidan ee dalalka Hindiya iyo Shiinaha tuuryo loo isticmaalo dhagaxaan iyo waxyaabo kale. Nin Shiinaha u dhashay oo 50 sano ku xayirnaa Hindiya Cadkee ayay Soomaaliya ku leedahay Madasha Shiinaha iyo Afrika? Xurguf la mid ah tan hadda dhacaday ayaa horey uga dhacday meel u dhow gobalka Sikkim,gaarahaana meel 5,000 oo mitir ka sareysa badda . Shiinaha iyo Hindiya ayaa sanadkii 1962-kii waxaa dhex maray dagaal salka ku hayay xuduuda ay wadaagaan . Sanadkii 2017-kii, labada dal ayaa sidoo kale waxaa ay ku dagaalameen gobolka ka dib markii Shiinuhu isku dayay in uu ballaariyo wadada xadka marta iyada loo marayo buurta lagu muransan yahay. Inta badan waxaa xuduudka labada dal laga maqlaa rasaas ay is waydaarsadaan ciidamada is guulguulaya ee gaaf wareegaya aaga ay wadaagaan si qolo walba ay u xajisato xuduudkeeda. https://www.bbc.com/somali/war-52605910 +sports Antoine Griezmann: Sababta ay Atletico Madrid u ciyaarsiiso 30 daqiiqo oo keliya Madaxa Kooxda Barcelona, Laporta ayaa xaqiijiyay in la soo gabagabeeyay heshiis ay la gaareen kooxda Atletico Madrid, kaas oo ah in xiddigga lagu magacaabo Antoine Griezmann uu kooxdaas ugu biiro lacag dhan 20 milyan oo euro oo ay raaci karto 5 milyan oo dheeraad ah oo ku xiran bandhiggiisa, sida uu qoray weriye Fabrizio Romano. Heshiiskan ayaa yimid kaddib waqti dheer oo labada koox ay ku kala siyaasad duwanaayeen qaabka uu ku dhamaan karo iyo qiimaha uu ku soo afjarmi karo heshiis amaah ahaa oo ciyaaryahan uu kula joogay Atletico. Tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone, ayaa sheegay in ciyaartooydiisa ay soo bandhigaan qaab-ciyaareed wanaagsan marka uu shaxda ku jiro ama uu ciyaarayo Antoine Griezmann, balse maxay tahay sababta xiddiggaas loo geliyo keydka ilaa nus saaca ugu dambeeya kulamada xilli ciyaareedkan? Inkastoo uu ciyaaro saddex meelood meel daqiiqadaha uu heli karo guud ahaan ciyaarta, haddana ciyaaryahankan khadka dhexe ugu dheela xulka Faransiiska ayaa ah laacibka labaad ee ugu goolasha badan kooxdaas, marka laga soo tago Alvaro Morata. Griezmann ayaa sanadkii 2019 amaah ahaan Atletico Madrid uga soo biiray Barcelona, isla kooxdaas oo horay looga iibsaday lacag dhan £108m. Saddex sano kaddib, waxaa uu weli yahay ciyaaryahankii 6-aad ee ugu qaalisan taariikhda kubbadda cagta. Run ahaantii Griezmann wuu rumeysan kari waayay nasiibkiisa, maaddaama uu jecel yahay kooxda Atletico si la mid ah ciyaaryahan kasta oo u safta kooxdaas. Labada koox ayaa gaaray heshiis amaah ah oo soconaya muddo labo sano ah, kaas oo dhigaya in haddii Griezmann uu ciyaaro in ka badan 45 daqiiqo kulan kasta, oo ah boqolkiiba 50%, ay Atletico ku qasbanaan doonto in ay Barcelona siiso lacag gaareysa 40 milyan, si uu heshiiska rasmiga ah u dhaqangalo. Heshiiskiisa Barcelona ayaa ku eg 30-ka bisha Juun ee sanadka 2024. Griezman, waxaa uu xilli ciyaareedkii hore dheelay in ka badan boqolkiiba 80 daqiiqadaha cayaarta. Haddii uu si la mid ah sameeyo xilli-ciyaareedkan, waxay ka dhignaan doontaa inuu si joogto ah ugu ciyaari doono Atletico Madrid, sida ku xusan heshiiska. Taas ayaa sababtay in Griezmann uu garoonka soo galo wixii ka dambeeya daqiiqadda 60-aad ee cayaarta, si kulamadiisa aan loogu tirin ciyaar buuxda. Kooxda Barcelona waxay horay ugu hanjabtay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto Atletico Madrid, iyagoo ku andacoonaya in waxa ay Atletico samaynayso ay tahay sharci-darro, xaqiiqduse waxay tahay, in Barcelona ay sidoo kale ogtahay in Atletico aysan sameyneyn wax qalad ah. Horyaalka La Ligaha Spain, waxaa hoggaamineysa Barcelona oo lix dhibic ka sarreysa Atletico Madrid, taas oo ku jirta kaalinta 4-aad. Griezmann ayaa beddel ku soo gali jiray kulamada kala duwan ee ay ciyaareyso kooxdaas. Daqiiqadaha uu soo galayay ayaa ah - 62, 62, 64, 63, 61, 63, 62. “Xaqiiqadu waxay tahay in uu qaab wanaagsan u dheelo 30-ka daqiiqo, marka ma garanayno  waxa uu sameyn lahaa haddii uu ciyaari lahaa 60 daqiiqo”, ayuu yiri  tababare Diego Simeone. Warbixin dhowaan lagu daabacay wargeyska Faransiiska ka soo baxa ee L’Equipe ayaa lagu sheegay, in labada koox ay qarka u saaran yihiin in ay ku heshiiyaan 25 milyan oo euro, taas oo u oggolaanaysa in Barcelona ay meesha ka saarto culayska dhaqaale, isla markaana ay Atlético u oggolaato inay si joogto ah u ciyaarsiiso xiddigaas. Atletico ayaa beenisay inuu heshiiskaas dhow yahay, halka Barcelona ay rajo badan ka qabto heshiiskaas. Atletico ayaa xilli ciyaareedkaan Barcelona u soo bandhigtay 20 milyan oo euro si ay u soo gabagabeyso khilaafka labada koox. Hase yeeshee, waxaa la diiday dalabka Atletico, waxayna Barcelona xusuusisay inay ku adkeystaan heshiiskii ay horay u galeen. https://www.bbc.com/somali/articles/cxw08dj9nmvo +business Katiinad dahab ah oo jirta in ka badan kun sano oo laga helay qabri dhexdiisa "Khubarro ku takhasusay ciidda ayaa helay katiinad dahab ah oo muhiim ah, taasoo taariikh ahaan la xiray jiray sanadihii 630-670 AD waxayna ku tilmaameen tii ugu qaalisaneyd ee abid laga helo gudaha Britain. Katiinaddan, oo laga helay meel u dhow Northampton, ayaa waxay ka sameysan tahay shilinka Roman, dahab iyo dhagaxyo kale oo qaali ah. Waxay jirtaa 1,300 oo sano waxaana lagu arkay qabri loo maleynayo inay ku aasan tahay haweeney maqaam sare lahayd, sida boqortooyo. Khubarrada ayaa ammaanay helidda katiinaddan, iyagoo ku tilmaamay inay dunida muhiim u tahay. Khubarrada oo ka tirsan matxafka Museum of London Archaeology (Mola) ayaa katiinadda ka helay goob uu ka socday dhisme guri, oo ku taalla Harpole, galbeedka Northampton. ""Markii aan aragnay dahab ka soo muuqday ciidda waan garannay inay tahay wax muhiim ah ayay tiri Levente-Bence Balazs, oo horkacaysay kooxda ka socotay Mola. ""Si kastaba, ma aynaan garan sida uu muhiim u noqon doono sheygan. ""Nasiib ayaan leennahay inaan adeegsanni qaababka casriga ah ee lagu taxliiliyo meelaha ku hareereysan qabriyada si aan u ogaanno nolosha qofkan."" Qabriga waxaa sidoo kale laga helay labo digsi oo la qurxiyay iyo saxan ka sameysan maar. Si kastaba, raajo la saaray aagga ciidda qabriga ayaa waxaa sidoo kale lafu arkay in gudaha qabriga aad loo qurxiyay. Khubarrada Mola ayaa sheegay in laga yaabo in haweeneydan ay ahaan jirtay hoggaamiye dhanka diinta Kirishtaanka ah. Khubarrada ayaa sheegay in qalfoofta ay gebi ahaanba baaba’day marka laga reebo jajab ilko ah. Si kastaba, waxaa la ogaaday in qabrigaas ay ku aasneyd haweeney aad loo xushmeeyo sida qof ka soo jeedda boqortooyo. Dhowr katiinad ayaa hore looga helay qyebo ka tirsan England, balse lama mid ahayn tan oo kale. Simon Mortimer, oo ah la taliye dhanka baaritaannada ciidda lagu sameeyo, ayaa yiri: ""Tani runtii waa baaritaan mar la arag ah – sida waxyaabaha aad buugaagta ka akhrisan jirtay mana aha wax aad filaneyso inay ka soo bixi doonaan dhulka hortaada ah.” Katiinaddan ayaa loogu deeqi doonaa Xarunta Kheyraadka Ciidda ee Northamptonshire ee dalkaasi UK." https://www.bbc.com/somali/articles/c25xglx10jno +politics Maxay tahay sababta eyga madaxweynaha Mareykanka uu aqalka cad dadka ugu qaniino "Mid kamid ah eyda uu xanaaneysto madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo lagu magacaabo Major oo aqalka cad ayaguna loo soo wareejiyay kadib markii xilka loo dhaariyay Biden ayaa markii labaad bishaan gudeheed qof ku dhex qaniinay Aqalka Cad. Eyga oo falkaan ku kacay maalmo uun ka dib markii laga soo celiyay tababar loo geeyay Delaware. Afhayeen u hadlay marwada koobaad ee Jill Biden ayaa sheegay in qofka uu qaniinay eyga lagu arkay qeybta caafimaadka ee Aqalka ka hor inta uusan shaqada ku laaban. Major oo ah labada ey midka yar, ayaa ah Eyga oo ah nooca loo yaqaano German shepherds. ""Waa ey aad u fiican."" ayuu yiri biden. Michael LaRosa, oo ah afhayeenka Jill Biden ayaa sheegay in dhacdada oo Isniintii dhacday ay tahay mid muujineysa in weli eyga Major uu la qabsanayaayo deegaanka cuusb. Waxa uu sheegay inuu qaniinay qof dhex socday gudaha Aqalka. CNN ayaa soo werisay in shaqaale ka tirsan Shqaalaha Seerada Qaranka uu eyga qaniinay, taasi oo sababtay in shaqada uu joojiyo oo daweyn la geeyo, hase yeeshee shaqaalaha la sheegay in la qaniinay ayaan ka soo jawaabin codsi ay CNN u dirtay si uu uga hadlo dhacdada. Labada ey, Major iyo Champ, oo 13 jirro ah ayaa la geeyay guriga gaarka ee qoyska Biden oo ku yaalla Wilmington, Delaware ka dib markii ay qaniinyada koobaad ay dhacday 8-dii bishaan Maarso. Waxaa la sheegay inuu markaasina qaniinay mid kamid askarta qaabilsan amniga aqalka cad. Eygan ayaa la sheegay in uu lasoo baxay dabeecado qallafsan markii la geeyay aqalka cad. Madaxweynaha Mareykanka ayaa eygan soo korsaday saddex sano kahor. Waxaa uu noqonayaa xayawaankii ugu horreeyay ee inta aqalka cad la geeyo kadibna laga saaro. Ilo aan la shaacinin ayaa warbaahinta CNN u sheegay in eyga uu buuq iyo bodbood ku wareeriyay shaqaalaha ammaanka qaabilsan ee aqalka cad. Marwada koowaad ee Mareykanka, Jill Biden ayaa bishii lasoo dhaafay mid kamid ah warbaahinta Mareykanka u sheegtay in markii ay usoo wareegeen aqalka cad ay diiradda saartay sidii ay u saldhigan lahaayeen eyda oo xilligaas ku cusbaa madaxtooyada. ""Waxay noqotay in ay adeegsadaan wiishka oo aysan u baranin, waana taas sababta aan aadka ugu doonayay in qofwalba uu saldhigto,"" ayay tiri Jill. Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu leeyahay taariikh dheer oo ah in madaxda halkaas imaneysa ay la yimaadaan xayawaano, haseyeeshee madaxweyne DonaldTrump ayaa waxaa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee aanan ey ama xayawaan kale keensanin aqalka cad muddo 100 sano ah. Joe Biden ayaa sheegay in uu Biden ka murgacday lugta xilli uu la dheelayay mid ka mid ah eydiisa. Madaxweyne Biden ayaa dhammaadka sanadkii hore dhaawacmay kadib markii ay u baxday lugta oo uu dhulka ku dhacay xilli uu la ciyaarayay eyda uu dhaqdo midka ugu weyn. Madaxweyne Biden ayaa aqalka cad la wareegay horraantii sanadkan, inkastoo aanu xil wareejintii loga bartay aanu ku sameynin madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Trump, kadib markii uu saluugay doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka." https://www.bbc.com/somali/war-56586341 +sports Shanta xiddig ee ilaa caawa u kala wareegi kara kooxaha Yurub Saacado kooban ayaa ka dhiman xilliga uu xirmayo suuqa kala iibsiga xiddigaha kubbadda cagta ee shanta horyaal ee ugu weyn Yurub. Waxaa ugu hor xirmi doona suuqyada horyaallada Ingiriiska, La Liga Spain iyo Ligue 1 France. Kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa suuqa ku farraqay lacag badan si ay u helaan saxiixa xiddigo wax weyn ku soo kordhin kara kooxahooda cusub. Kooxaha horyaalka Ingiriiska oo keliya oo suuqoodu uu xirmayo saacado kaddib ayaa kharash-gareeyay lacag dhan 1.5 bilyan oo gini saddexdii bil ee uu furnaa suuqa. Lacagtaas waa qiimaha ugu sarreeya abid ee kooxaha Ingiriiska ay ciyaartoy kula soo wareegaan hal xilli-ciyaareed. Rikoorkii ka horreeyay waxaa la diiwaangeliyay 2017-kii. Qiimahaas ayaa ahaa 1.43 bilyan oo gini. Sidaas oo ay tahay, waxay weli lacagtaas ka badan tahay 1.44 bilyan oo gini oo ah lacagta kooxaha horyaalka Ingiriiska ay ku bixiyeen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda sanadkii hore oo dhan. Weli waxaa la filan karaa lacagtaas inay intaas aad uga sare-kacdo saacadaha dhiman ee suuqa. Haddaba, shan ciyaartoy ayaa ka mid ah kuwa sare-u-qaadi kara lacagaha xilli-ciyaareedkan lagu bixiyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda. Waxa uu ahaa kabtanka kooxda Arsenal isaga oo la shaqeeyay tababare Mikael Arteta kahor inta uusan ku biirin kooxda Barcelona horraantii sanadkan. Hab-ciyaareed wanaagsan ayuu kula billowday kooxda ku dheesha garoonka Camp Nou, isaga oo u dhaliyay saddex iyo toban gool, una sameeyay hal caawin labaatan kulan oo uu saftay. Laakiin, waxaa fursadihiisa safka koowaad ee Barcelona hoos u dhigay imaanshiyaha weeraryahankii horyaalka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski. Haddaba, Aubameyang waxa uu u dhow yahay in uu dib ugu noqdo horyaalka Ingiriiska, isaga oo markan ku biiraya kooxda Chelsea. Barcelona waxay ugu horreyn dalbatay 25 milyan oo gini, laakiin gorgortanku waxa uu hadda marayaa 10 milyan oo gini. Waxaa suurtagal ah in uu xitaa amaah ahaan uga tago Barcelona. Muddo dheer oo uu la joogay kooxda Chelsea kaddib, xiddigan difaaca bidix ayaa la filayaa in uu u wareego horyaalka La Liga kahor gabbal-dhaca, si loogu diiwaangeliyo kooxda Barcelona kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda. Wadahadalka u dhaxeeya Chelsea iyo Barcelona waxa uu muujinayaa in uu qeyb ka noqon karo heshiiska uu Pierre Aubameyang ugu biirayo Chelsea. Waxaa sidoo kale la filayaa in kooxda horyaalka Ingiriiska ay bixin karto 10 milyan oo gini iyo Marcos Alonso si ay u hesho Aubameyang. Waxay u eg tahay in uusan ku sii negaan doonin Old Trafford, halkii uu magaca ka sameeyay kahor inta uusan ku biirin Real Madrid. Ma cadda mustaqbalka ciyaaryahanka shanta jeer ku guuleystay xiddiga kabbadda cagta ee ugu wanaagsan dunida, iyada oo la og yahay in uusan ku soo billaaban labo kulan oo xiriir ahaa oo ay Manchester la ciyaartay kooxaha Liverpool iyo Southampton. Tababare Erik Ten Hag waxa uu sheegay in Ronaldo uu qeyb ka yahay qorshahiisa, laakiin saacadaha ka dhiman suuqa ayaa wax badan beddeli kara. Xiddigga Portugal waxay u eg tahay inay ka go’an tahay in uusan ka maqnaan Champions League, horyaalkaas oo aysan sanadkan qeyb ka ahayn kooxdiisa Manchester United. Kooxda Sporting CP oo uu carruurnimadiisa qeybta ka ahaa ayaa u muuqata tan keliya ee danaynaysa qorshe dib loogu soo celiyo horyaalka Portugal. Waxa uu ka mid yahay xiddigaha aad loo baadigoobayo. Waxaa ku tartamaya kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Juventus. Xiddigan garabka uga ciyaara kooxda PSV ee horyaalka Holland waxaa sidoo kale danaynaya kooxaha Leeds United iyo Southampton, kuwaas oo u eg inay dalabkooda mar hore u gudbiyeen kooxda PSV. Waxaa socda wada xaajood la xiriira lacagta lagu iibinayo. Sergiño Dest wuxuu tijaabada caafimaadka u marayaa AC Milan, kaddib markii uu heshiis dhex maray iyada iyo Barcelona, sida uu qoray weriyaha ku caan-baxay wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Fabrizio Romano. Hase yeeshee, weli si rasmi ah looguma dhawaaqin heshiiskaas. Xiddigan dhib kuma qabin safka hore ee kooxda Barcelona intii uu hoggaanka hayay Ronald Koeman. Laakiin, waxaa yaraaday fursadahiisa safka hore ee kooxda wixii ka dambeeyay markii uu Xavi la wareegay macallinnimada kooxda Camp Nou. Hal ciyaarna kama uusan soo muuqan xulka koowaad ee Barcelona xilli-ciyaareedkaas. Waxaa sii quusiyay imaashiyaha Jules Kounde, oo kusoo biiray difaaca kooxda. Waxaa la sheegay in kooxaha Manchester United ee ka dhisan Ingiriiska Villareal oo Spain ah ay sidoo kale daneynayeen saxiixa ciyaaryanka. Mario Balotelli Weeraryahankii reer Talyaani ee mar u ciyaaray kooxaha Manchester City iyo Liverpool, Mario Balotelli isna waxaa lagu wadaa in uu maanta ku biiro kooxda Swiss ka dhisan ee FC Scion. Waxay noqoneysaa kooxdii 11aad ee uu u safan doono xiddigan. https://www.bbc.com/somali/articles/cd1ygdklezgo +politics Wariye saaxib la ahaa madaxweyne oo xabsi lagu xukumay "Nin madax ka ah Hay'ad weyn oo warbaahineed oo ka howlgasha dalka Algeria ayaa lagu xukumay xabsi muddo shan sano ah. Anis Rahmani ayaa aad uga ag dhawaa Madaxweynihii sidii xoogga ah xilka looga tuuray ee Cabdulcaziiz Bouteflika kaddib markii dibad-baxyo waaweyn ay dalkaasi ka dhaceen sanadkii 2019-ka. Waxaa uu ka mid ahaa shakhsiyaad awood lahaa oo ka ag dhawaa madaxweynihii xilka laga qaaday ee xabsi lagu xukumo. Anis ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu duubay oo uu baahiyay wadahadal qadka taleefoonak uu kula yeeshay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka dalkaasi, isaga oo aan wax ogolaansho ah ka haysan. Raxmani, oo magaciisa saxda ah uu yahay Maxamed Makaddem, ayaa qirtay inuu duubay wadahadalkaasi laakiin wuu diiday inuu wax dambi ah galay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP. Eedaha uu Raxmaani wajahayay waxaa ka mid ahaa in uu wax u dhimay ""sumcadda ciidanka"". Madaxa Telefishanka Ennahar, oo loogu magacdarey warbaahintii ugu horreeysay ee Algeria, ayaa ku biiraya dad badan oo xabsiga ku jira oo la shaqeeynayay madaxweynihii hore. Muddaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo Cabdulcaziiz Bouteflika ayaa Sannadkii 2019-kii gilgilay dalkaasi Aljeeriya, waxaana lagu qasbay inuu iska casilo xilka madaxweynenimo kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu xilkaasi u tartamo markii shanaad. Wixii xiligaas ka dambeeyay, baaritaan ku saabsan musuqmaasuq intii Bouteflika uu xafiiska hayey ayaa horseeday in la xiro xubno badan oo isaga la shaqeeya. Waxaa xabsiga loo taxaabay wasiiro hore, taliyihii hore ee booliska iyo cunug lagu xanto in uu dhalay Bouteflika." https://www.bbc.com/somali/war-54956279 +politics "Zakaria Boutros: Khilaaf iyo su'aalo ka taagan Masar ka dib markii dib loo baahiyey muuqaalo ""aflegaado ah""" "Kicinta khilaafku kuma cusba wadaadkan hore ee Sakariya Boutros, taas oo Masaaridu ku yaqaaneen, tan iyo sannadkii 2000, in barnaamijyo diimeed uu ka sii daayo telefishanka. Boutros ayaa la waayay in muddo ah, dadkana waxay iloobeen hadaladiisa ka hor inta aysan dhowaan ku soo laaban safka hore, taas oo kicisay mowjad faallooyin cadho leh oo kallifay in Kaniisadda Coptic ay ka hadasho. Haddaba Waa kuma Sakariya Boutros? Maxay yihiin se muuqaalada la baahiyey? Saacadihii la soo dhaafay hashtag-ga ""Rasuulkii Alle mooyee"" iyo ""Ha la ciqaabo Zakaria Boutros"" ayaa qabsaday diiwaanka hal ku dhig-yada ugu caansan Masar iyo tiro ka mid ah dalalka Carabta. Arrintan ayaa timid ka dib markii la faafiyay muuqaal laga soo duubay wadaadkaa hore ee Masiixiga ahaa, ee Zakaria Boutros, kaas oo ay ku jireen hadallo ay dad badan u arkayeen kuwo meel ka dhac ku ah Nebi Maxamed NNKH. Taas waxay keentay in Youtube-ka uu tirtiro muuqaalkii sababay faafitaanka hashtagyadan cadhada leh balse waxa hada lagu baahiyay website-yo kale taas oo keentay su'aalo badan. Faallooyinka ka soo yeedhaya hormuudka shabakadaha isgaadhsiinta waxay sii wadeen cambaareynta iyo in ay dalbanayaan in Boutros maxkamad la soo taago halka qaarkood ay ku baaqeen in aan la gelin dabinka fidno abuurka ah iyo kala qaybinta ah. Dadka reer Masar ee ku kala duwan aragtiyaha diimeed ayaa se si isku mid ah u cambaareynaya weedhahan, sidoo kalena dhaleecaynaya xagjirnimadu nooc kasta oo ay tahay. Zakaria Boutros wuxuu inta badan sababaa khilaafyo badan oo la xidhiidha mawqifyada uu ka taagan yahay diinta Islaamka, balse waxaa jira dad aaminsan in ay jiraan dhinacyo si badheedh ah dib ugu soo celinaya hadaladiisa si ay u kiciyaan ra'yiga bulshada, ugana mashquuliyaan dareenkooda si maalinle ah. Waxa ay u muuqataa in cajalada la faafiyay ay tahay mid hore sida ay dadka u ololeeya ku tilmaameen in uu soo bilowday in ka badan 10 sano ka hor, xiligaas oo Boutros uu ku soo bandhigayay barnaamij ka baxayay Kanaalka diinta masiixiga oo loo xidhay eed ah in uu baahiyo fadeexaynta Islaamka iyo Muslimiinta. BBC-da way u suuroobi wayday inay xaqiijiso macluumaadkan, hase ahaatee marka muuqaalkan lagu baadho tiknoolajiyada lagu ogaado goorta la duubaye ee Google-ka, waxa lagu ogaaday in muuqaalku yahay mid hore. ""Al-Faadii"" waa Kanaal uu furay Zakaria Boutros, sannadkii 2011, ka dib markii uu si kama dambays ah looga joojiyey kanaanlka ""Al-xayaat"" ee diinta Masiixiyadda faafiya. Si dhab ah looma oga cidda ka danbeysa dib u baahinta muuqaaladaa hore ee Boutros. Qaar badan oo ka mid ah xirfadlayaasha warbaahinta Masar ayaa qayb badan oo ka mid ah barnaamijyadooda iyo bogaggooda internet-ka, in badan kaga hadlay arintan oo ka digay isku dayga la doonayo in fidno lagaga dhex abuuro Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Masar. Wariye Mohamed El Desouki ayaa qoray: ""Waxaa soo baxaya qorshe fool xun oo ujeedadiisu tahay in lagu carqaladeeyo dalka oo lagu celiyo in kooxo kooxo la noqdo "" isagoo raaciyay in difaaca Nabiga SCW ""aanu sabab u noqon af lagaadaynta dadka kale"". Iyagoo ka jawaabaya faafinta muuqaalladaas, waxay Kaniisadda Masar soo saartay bayaan ay ku diiday Zakaria Boutros waxayna ku nuuxnuuxsatay in ay xidhiidhka u jartay in ka badan 18 sano ka hor. Kaniisadda ayaa sidoo kale tilmaamtay in Boutros ""dhawr jeer soo qortay codsi ah in la siiyo lacagtiisa hawlgabka, ka dib markii laga joojiyay shaqada, codsigiisaana waxaa la aqbalay bishii January, 11, 2003,"" iyada oo raacisay in ""tan iyo wakhtigaasna wax xidhiidh ah lama uu lahayn kaniisadda Orthodox-ka Masar haba yaraatee."" Dhawr ka mid ah siyaasiyiinta Coptic-ga iyo kuwa diinta ayaa sidoo kale cambaareeyay weedhaha wadaadkaa hore, waxaa ka mid ah ciyaaryahankii hore ee kubada cagta, Hani Ramzy iyo xildhibaan Siham Bishayi oo qoraal ay soo dhigtay Facebook ku muujisay sida ay u diidan tahay habdhaqankaa lagu xad gubayo sumacadda diinta, waxaanay ku baaqday ""in lagu daydo Masiixi oon dheg loo dhigin hadalada Boutros."" Laga soo bilaabo 2003, Zakaria Boutros wuxuu caan ku ahaa barnaamijyo uu ka siid daayo telefishanka ""Al-xayaat"" kuwaas oo caan ku ahaa dhalleeceynta Islaamka, taas oo keentay in dad badan ay dalbadaan in la maxkamadeeyo. Sannadkii 2009, qareen Masari ah ayaa digniin u diray Ra'isal wasaare Axmed Nadiif iyo Baadarigii kaniisadda Coptic-ga, Shenouda III, oo uu ku yidhi ""waa in Zakaria Boutros lala xisaabtamo lagana joojiyo shaqada."" Barnaamijka Boutros ee ka baxayay TV-ga Al-Xayaat ayaa la joojiyay sannadkii 2010-kii, ka dib na wuxuu furtay kanaal cusub sannadkii 2011-kii oo xaruntiisu tahay dalka Mareykanka, halkaas oo uu ilaa hadda degan yahay. Archdiocese-ka Los Angeles ayaa uga digtay dadkeeda in ay wax xidhiidh ah la yeeshaan sida lagu sheegay bayaanka Kaniisadda Masar" https://www.bbc.com/somali/war-59299591 +sports Badri Cabdicasiis, ninka uu Maraykanku halka milyan dul dhigay oo lagu qabtay xadka Soomaaliya "Mid ka mid ah labadii nin ee baxsadka ahaa ee uu Mareykanku ku raadjoogay loona haystay ka ganacsiga daroogada iyo ugaarsiga duurjoogta ayaa la xiray, sida uu qoray wargeyska Nation ee ka soo baxa dalka Kenya. Badru Cabdul Casiis Salax ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska. Qabashada ninkan ayaa ku soo beegmaysa afar maalmood uun ka dib markii Agaasinka Danbi baarista iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta. Balse waxaa ay booliiska wali ku raadjoogaan, Cabdi Xuseen Axmed oo ay wada socdeen Saalax. Saalax waxaa lagu hayaa xarunta laanta la-dagaallanka argagixisada, halkaasi oo ay dambi barayaasha ku waydiinayaan su'aalo la xiriira xiriirka uu la leeyahay Cabdi Xuseen, halka uu ku sugan yahay iyo waxa uu dalka ka hayo. Safaaradda Mareykanka ayaa toddobaadkii hore u yaboohday 1 milyan oo doolar cidii keenta xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto Saalax oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha. Qaabkii loo soo qabtay ayaan faahfaahin laga bixin isla markana ma cadda in ay jirto cid qaadatay abaalmarintii uu Mareykanku ballanqaaday. Balse safaaradda Mareykanka ayaa maanta xaqiijisay qabashada ninka baxsadka ku jiray, waxayna shacabka ku ammaantay inay gacan ka geysteen soo qabashadiisa. Bayaan ay soo saareen, mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in xog ay ka heleen shacabka ay ku howlgaleen laamaha dambi baarista Mareykanka iyo kuwa Kenya oo iskaashanaya ay Isniintii soo qabteen Saalax. ""Saalax waxa uu ku jiraa xabsiga Nairobi. Xogta lagu soo qabtay waxa ay jawaab u tahay 26-kii May oo lagu dhawaaqay in abaal-marin lacageed lagu raadinayo macluumaad horseedaya in la xiro, lana maxkamadeeyo Saalax iyo Cabdi Xuseen Axmed,"" ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka." https://www.bbc.com/somali/war-61652861 +technology Shan bilyan oo telefoon oo sanadkan qashin ahaan loo tuurayo "Sanadkan 5.3 bilyan oo telefoonnada gacanta ah ayaa la tuuri doonaa, sida uuu sheegay ururka la socodka qashinka agabka elektarooniga ah ee magaciisa loo soo gaabiyo WEEE. Odoroska ururka ayaa lagu saleeyay xog uu ka helay ganacsiga agabkaas oo muujineysa dhibaatada sii kordheysa ee deegaanka uu ku hayo xashiishka agabka elektarooniga ah. Waxaa lagu qiyaasaa telefoonnada gacanta ee la adeegsado 16 bilyan oo xabbo dunida oo dhan, inta Yurub taalna saddex meelood meel ayaan la isticmaalin. Ururka WEEE ayaa sheegay in cilmi-baaristu ay muujinayso ""buuro"" qashinka elektarooniga ah ay gaadhi doonaan 74 bilyan oo tan sanadkiiba marka la gaadho 2030-ka. Billowgii sanadkan ayay wakaaladda daraasadka Kimistariga ee Boqortooyada Ingiriisku billowday olole lagu doonayay in agabka la tuurayo ee elektaroonigga ah lagaga saaro macdanta ku jirta, si agabka cusub ee la samaynayo loogu adeegsado, iyadoo sheegtay in qalalaasaha ka taagan dunida oo uu ku jiro dagaalka Ukraine uu keeni karo in uu hakad galo soo-saarista macdanta birta ah. Magdalena Charytanowicz oo la ka tirsan WEEE, ayaa tidhi  ""qalabkan waxaa ku jira macdan badan oo muhiim ah oo loo isticmaali karo samaynta qalab cusub oo elektaroonig ah sida marawaxadaha, baytariyada baabuurta ama kuwa qabta tamarta qorraxda oo dhamaantood muhiim u ah ilaalinta deegaanka oo aan kaarboon badan ku sii daynayn”. Ingiirka waxa haatan guryaha iska yaalla in ka badan 20 milyan oo qalab elektoroonigga ah oo shaqaynaya, hase yeeshee aan la isticmaalin, kuwaas oo qiimahoodu noqon karo 5.63 bilyan oo gini." https://www.bbc.com/somali/articles/c51p557j1zeo +health Coronavirus: Qaramada midoobay oo ka digtay macluul ay dunida wajaheyso Qaramada Midoobay ayaa bilawday dib u eegidda codsi loogu talagalay si lacago loogu deeqo waddamada ugu saboolsan adduunka, taas oo ay kula dagaallami doonaan cudurka dilaaga ah ee Korona. Madaxa gargaarka bini'aadanimada ee Qaramada Midoobay, Mark Lowcock ayaa ka digay inay jiraan dalal badan ooay macluul ku sii kordheysa, kuwaas halka ay cunto yaraan baahsani ku habsatay, iyada oo uu dhaqaalahoodii uu saamoobay safmarkan dunida saaqay. Qaramada midoobay waxay shegeysaa in 265 milyan oo qof ay dhamaadka sannadkan wajihi karaan macaluul ba'an sababo la xiriira fayraska corona. Waxayna codsaneysaa hay'addu lacag dhan $10.3 balyan oo doolar. Lacagaha ay qaramada midoobay dalbaneyso ayaa waxaa loo adeegsan doonaa waddamada uu dhaqaalahooda cagaha badan ku taagnayn. Waxayna hay'addu ka digtay in haddii aaanan wax ficil ah la qaadin ay dunida mustaqbalka wajihi doonto dhibaatooyin la xiriira horumarka. Hay'adda ayaa markii hore bishii maarso codsatay lacag dhan 2 balyan oo ay kula dagaalameyso fayraska corona. Xanuunkan safmarka ah ayaa saameyn weyn ku yeeshay waddamada ugu fakhrisan dunida sida ay soo warisay weriyaha BBC-da ee magaalada Geneva Imogen Foulkes. Codsigaan labaad ee hay'addu ayaa ku soo beegmayaa iyadoo wadamadii qaniga ah ee lacagahaasi bixini jiray ay haatan iyagiba la daalaa dhacayaan dib u soo celinta djhaqaalohoodii ee uu saameeyay fayraska laakinse waxay hay'addu ka codsatay iney caawiyaan waddamada faqriga uu la dagay. Hase yeeshee, hay'addu ayaa ka digeysaa in hadii ay dalalkaasi ay dhagaha ka fureystaan baaqa Qaramada Midoobay ay dunida wajihi doonto dhibaatooyin isdaba joog ah. Malaayin shaqaala muhaajiriin ah oo ay shaqa la'aan ku soo dhacday ayaysan haatan u suurgaleynin iney lacaga u diraan qoysaskoodii ay Afrika uga soo tageen, qorshayaashii tallaalka ee caruurta hakad ayaa ku yimid, halka dalalka badan ay horay ula daalaa dhacayeen dhibaatooyinka la xiriira dagaallada. Tusaale ahaan dalka Yemen rubuc ka mid ah dadkii uu soo ritay fayraska waa ay u geeriyoodeen. Faayraska Corona wuxuu saameeyey 13 malyan oo qof oo dunida ku nool halka ay 600,000 oo qof ay cudurkaasi dunida ugu dhinteen. https://www.bbc.com/somali/war-53440823 +business Coca-Cola oo hakineyso xayaysiinta baraha bulshada "Shariikadda Coca-Cola ayaa muddo soddon cisho ah joojinaysa xayesimaaheeda baraha bulshada caalamka, iyadoo cadaadis ay kala kulmayaan sidii wax looga qaban lahaa hadallada nacaybka ku saleysan. ''Cunsurinimo caalamka lagama ogolaanayo sidookalena baraha bulshada kama ogolaanayno cunsuriyadda'', ayuu yiri Gudoomiyaha shirkadaasi James Quincey. Waxaa uuna ka codsanaya shariikadaha maamulo baraha bulshada in si gaar ah ay oo hufnaan iyo isla xisaabtan ku jirto ay isha ugu hayaan baraha dadku ku wada kulmaan. As'aasaha facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay in shirkaddiisa ay mamnuuci doonto xayeeysiimaha ay ku jiraan eedeymaha midab takoorka, dalalka gaar, diimaha ay aaminsayihiin, jinsiyadda ay ka kooban yihiin ama xaaladdooda degganaansho iyo wixii kale oo raacsan inay halis tahay. Abaabulayaasha ololaha #aan joojin ka faaideysiga nacaybka, ayaa ku eedeeyay Facebook inaysan sameynin wax ku filan oo ay ku joojinayaan hadallada nacaybka iyo kala tagga, waxayna sheegeen in isbeddellada yar yar aan waxba soo kordhinaynin. In kabadan 90 shirkadood ayaa joojiyay xayeysiinta iyagoo gacan siinaya ololaha aan joojinno ka faa'ideysiga nacaybka ku saleysan #StopHateforProfit. Arrintaas ayaa horseedday in saamiyadda Facebook ay hoos u dhacaan boqolkiiba 8.3% maalinkii jimcaha oo u dhiganta $56bn ilaa (£45bn) taas oo sidoo kale waxyeello u geysatay hantida Zuckerberg leeyahay oo gaaraysa $7.2 balyan, sida ay ku warrantay warbaahinta blooberg. Sidaas awgeed ninka madaxda ka ah shirkadda Louis Vuitton Bernard Arnault ayaa waxaa uu ka hormaray aas'aasaha facebook oo wuxuu noqday ninka saddexaad ee dunida ugu tujaarsan. Shirkadda Coca-Cola waxay CNBC u sheegtay xayeysiisyadeeda iney hakiso ay ka dhigneen iney taageereyso ololaha looga soo horjeda midab takoorka ee socda, balse ay arrintaasi quseyso ""arrimo ganacsi"". Mr Quiencey wuxu sheegay shirkaddu iney xayeysiisyadeeda u isticmaaleyso baraha bulshada kala duwan, balse tallaabbadan ay ku hakineyso xayeysiisyadeeda ay tahay oo keli ah iney dib u eegis ku sameyso in xayeysiisyadaasi loo baahan yahay iyo iney u baahan yihiin in wax laga eddelo iyo inkale. Ololahan ayaa Mr Zuckerberg ugu baaqaya inuu tallaabbooyin dheeraad ah uu qaado, tallaabbooyinkaasi oo ay ka mid yihiin kuwa uu ku meel marinayo xuquuqaha bulshada rayadka, isla-markaana suuragelinayo dabagalka iyo ka hortagga farriimaha xambaarsan naceybka amaba bulshada marin habaabinayo. Waxaana shirkadda Facebook loo soo jeediyey iney si aad ah ula socota farriimaha noocaasi ah inta ay shacabka farriimahaasi gaarinna ay ka hortagaan isla-markaana ay howl geliyaan koox khubara ah oo qaabisho cabashooyinka arrimahan la xiriira." https://www.bbc.com/somali/war-53216430 +health Qofkii labaad oo ka dawoobay HIV "Nin kasoo jeeda London ayaa noqday qofkii labaad ee caalamka ku nool oo ka dawooday Caabuqa HIV, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen. Adam Castillejo ayaa wali xor ka ah Caabuqa kaddib markii daweynta ka joojiyay muddo 30 bilood ah ka hor. Ninkan kuma uusan reysanin dawooyinka HIV-ga kaliya, balse wuxuu sidoo kale ku caafimaaday daweyn looga sameynayay unugyada jirkiisa, taas oo uu u qaadanayay xanuunka kansarka, kaasoo uu sidoo kale qabay, sida uu ku warramay wargeyska the Lancet HIV. Dhaktaariirta kansarka ka daweyneysay ayaan fileynin in dawooyinkooda ay horseedi doonaan difaac ka hor taga HIV-ga. Sanadkii 2011-kii, Timothy Brown, oo loo yaqaannay ""Bukaankii Berlin"" ayaa noqday qofkii ugu horreeyay abid ee lasoo tabiyay inuu ka bogsaday HIV. Ninkaas ayaa muddo saddex sano iyo bar ah qaadanayay dawo la mid ah midda bukaanka labaad uu qaatay. Dawada lagu taageero unugyada oo loo yaqaanno ""stem-cell"" ayaa u muuqata inay Caabuqa ka hor istaageysa inuu isku sii fidiyo gudaha jirka, iyadoo difaaca qofka bukaanka ah ku xoojinaysa unugyo kale oo ka hortagi kara HIV-ga. Adam Castillejo - oo hadda 40 jir ah, loona yaqaanno ""Bukaanka London"" wuxuu go'aansaday in magaciisa la shaaciyo. Ninkan ayaan dhiiggiisa lagu arkin HIV ay qalabka baaritaanka qaban karaan, sida ay dhakhaatiirtiisu sheegeen. Waxaa laga joogaa hal sano markii lagu dhawaaqay inuu ka reystay caabuqa, ilaa haddana wuxuu ka yahay xor. Barfasoor Ravindra Kumar Gupta, oo hoggaaminaya cilmi baarista lagu raadinayo dawada HIV-ga, kana socda Jaamacadda Cambridge, ayaa BBC-da u sheegay: ""Arrintan waxay caddeyneysaa in sida ay u badan tahay hubaal loo helay dawada HIV-ga"". ""Waxaan baaritaankeenna ku ogaanay in habka daweynta ee loo yaqaanno ""stem-cell"" uu yahay mid looga reysan karo HIV-ga, markii ugu horreysayna waxaa sagaal sano ka hor lagu ogaaday bukaanka Berlin"". Laakiin tani ma noqon doonto dawo loo isticmaalo malaayiinta qof ee qabta cudurka HIV-ga ee ku nool qeybaha kala duwan ee dunida. Daawadan xoogga badan waxaa markii hore loogu talagalay in lagu daweeyo kansarka ay bukaannadaas qabeen. Dawooyinka kaalmada ah ee hadda loo isticmaalo HIV-ga ayaa ah kuwo wax tar weyn leh, taasoo micnaheedu yahay in dadka la nool xanuunkan ay muddo dheer sii noolaan karaan iyagoo caafimaad buuxa dareemaya. CCR5 waa dawada sida ugu badan loogu isticmaalo in jirka loogu faafiyo ka hor tagga cudur sidaha ee la yiraahdo HIV-1, waana mid caalamka oo dhan laga helo. Laakiin dad dhif ah ayuusan jirkoodu la shaqeynin habka ay dawadaas u falgasho. Waxaa dawadan markii ugu horreysay adeegsaday seynisyahan ku xiran dalka Shiinaha oo lagu magacaabo He Jiankui. Tijaabooyinka la sameeyay waxaa lagu sheegay in 99% unugyada difaaca jirka ee Mr Castillejo ay baddaleen kuwo kale oo lagu deeqay. Laakiin wali wuxuu gudaha jirka ku leeyahay astaamo ka haray caabuqii ku jiray, isla sida bukaankii ka horreeyay ee lagu magacaabayay Mr Brown. Sidaas awgeed lama dhihi karo waxaa la hubaa in uusan HIV dib ugu soo noqon karin." https://www.bbc.com/somali/war-51820014 +politics Guurka: Maxay dumarka Hindiya sooryada u siiyaan ragga guursada? "Bixinta sooryada la siiyo caruuska ee tuulooyinka Hindiya ayaa soo jirtay tobanaankii sano ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay daraasad uu sameeyay Bankiga Adduunka. Baarayaasha ayaa qiimeyn ku sameeyay 40,000 oo guur oo ka dhacay baaddiyaha Hindiya intii u dhaxeysay 1960 iyo 2008. Waxay ogaadeen in sooryo la siiyay 95% ragga arooska galay, inkastoo ay sharci darro ka ahayd Hindiya tan iyo sanadkii 1961. Dhaqankan, ayaa aalaaba loo arkaa mid xun, balse waa mid si aad ah u jira oo haweenka u nugleeya tacaddiyo iyo xitaa dhimasho. Bixinta iyo qaadashada sooryada waa dhaqan qarniyo soo jiray oo looga dhaqo Koonfurta Aasiya, halkaas oo waaliddiinta caruusadda ay lacag, dhar iyo dahab guddoonsiiyaan qoyska caruuska. Daraasadda ayaa waxaa lagu saleeyay xogta sooryada oo laga soo ururiyay 17 gobol oo Hindiya ku yaalla oo ay ku nool yihiin 96% bulshada dalkaas. Waxay diiradda saareen baaddiyaha Hindiya maaddaama inta badan Hindida ay weli ku nool yihiin tuulooyinka. Dhaqaala-yahannada S Anukriti, Nishith Prakash iyo Sunghoh Kwon ayaa adeegsaday warbixinta laga helay qiimaha haddiyadaha iyo lacagta la bixiyay amaba la qaatay xilligii guurka. Waxay qiimeeyeen haddiyadaha ay qoyska caruusaddu siiyeen qoyska caruuska iyo kuwa ay qoyska caruusku siiyeen kan caruusadda. Waxaa la ogaaday in qoysas yar oo kuwa caruuska ah uun ay haddiyado badan bixiyeen. Waxay ogaadeen in qiimaha sooryada ay ahayd mid aan is beddelin in muddo ah, marka laga reebo sicir barar ku yimid kahor sanadkii 1975 iyo kaddib sanadkii 2000. Baarayaasha ayaana ogaaday in qoyska caruuska ay celcelis ahaan ilaa 5,000 rubi oo u dhiganta 67 dollar ay ku bixiyaan haddiyadaha ay siiyaan qoyska caruusadda. Haddiyadaha qoyska caruusadda, ayaa toddoba jeer ka badan intaas waxayna gaareysaa qiyaastii 32,000 rubi ($429). Sooryada waxaa laga bixiyaa qeyb ka mid ah keydka guriga iyo dhaqaalaha: sanadkii 2007, celcelis ahaan qiimaha sooryada wuxuu 14% ka ahaa dakhliga sanadlaha ah ee qoysaska Hindiya. Xigasho: Suuqa Guurka iyo Sare u kaca Sooryada Hindiya ee ay sameeyeen Gaurav Chiplunkar iyo Jeffrey Weaver Wax badan ayaa Hindiya iska beddelay intii u dhexaysay sanadkii 2008 iyo hadda. Balse baarayaasha ayaa sheegay inaysan farqi badan u dhaxeyn bixinta sooryada xilligii hore iyo hadda. Daraasadda ayaa sidoo kale lagu ogaaday in bixinta sooryada ay ka dhex jirto dhammaan bulshooyinka diimaha kala duwna heysta ee Hindiya. Waxaa xiiso leh, Kirishtaanka iyo kuwa Sikhs-ka ayaa bixiya sooryo badan, marka loo eego Hinduuda iyo Muslimiinta. Arrin kale oo la ogaaday ayaa ah farqiga u dhaxeeya gobollada. Gobolka koonfurta dalkaas ku yaalla ee Kerala ayaa waxaa sare u kacay bixinta sooryada tan iyo sanadihii 1970-meeyadii, waxaana laga bixiyaa sooryada ugu badan sanadihii la soo dhaafay. Gobollada kale ee Haryana, Punjab iyo Gujarat ayaa sidoo kale laga diwaan geliyay sicir bararka. Dhanka kale, celcelis ahaan sooryada ayaa hoos u dhacday gobollada Odisha oo hore loo orna jiray Orissa, Galbeedka Bengal, Tamil Nadu iyo Maharashtra. ""Uma heyno jawaabo ku saabsan kala duwanaanshaha. Waxaan rajeyneynaa inaan baarno su'aashan markaan mustaqbalka baaritaanka sameyneyno,"" ayuu yiri Dr Anukriti. Daraasad la daabacay bishii January, dhaqaala-yahannada Gaurav Chiplunkar iyo Jeffrey Weaver ayaa adeegsaday xog ay ka soo dheegteen in ka badan 74,000 aroos oo qarnigii ugu dambeeyay ka dhacay Hindiya. Baarayaasha ayaa ogaaday in qeyb ka mid ah aroosyada Hindiya oo ay ku jiraan bixinta sooryada ay labo jibbaarmeen intii u dhaxeysay 1930 iyo 1975, celcelis ahaan qiimaha dhabta ah ee sooryaduna ay saddex jibbaarantay. Balse wixii ka dambeeyay 1975, waxaa hoos u dhacay qiimaha sooryada. Waxay ku qiyaaseen in guud ahaan qiimaha sooryada Hindiya intii u dhaxeysay 1950 iyo 1999 ay ku dhowaatay rubuc tirilyan doollar." https://www.bbc.com/somali/war-57720709 +technology Cirbixiyeennada iyo seyniska: Ma dhabbaa in dayaxa la tagay? "Ku dhawaad 50 sano ayaa ka soo wareegtay marki ugu horreysay oo la sheegay in dayax gacmeed qof sida uu dayaxa tagay. Howlgalka hawada sare ee Apolo 11 ayaa ahayd dhacdadi ugu weyned Mareykanka iyo Taariikhda Adduunka, haddaba xaqiiqdi maxaa dhacay maxayna muhiim u tahay? Tartanka dhinaca hawada sare wuxuu u dhaxeeyey Mareykanka iyo Midowga Soofiyeeti, kaddib marki ay Soofiyet hawada sare u dirtay dayax gacmeedkii ugu horreeyey. Marki uu John F Kennedy uu madaxweyne ka noqday Mareykanka sanaddi 1961-kii, shacabka Mareykanka waxay aamineen in dalkooda tartanka looga guuleystay maadaamaa xilligaasi tartanka teknooloojiyadda uu salka ku hayey dagaalkii qaboobaa. Sanadkaasi ayuu ahaa Midowga Soofiyeti waxa ay dayax gacmeed dad ay saaran yihiin hawada sare u dirtay. Mareykanka ayaa wuxuu dhexda u xirtay sidi hawada sare dayax gacmeed uu ugu diri lahaa wuxuuna Mareykanka ku guuleystay 1962-kii, madaxweyne kennedi oo ku dhawaaqay xilligaa inuu dalkiisa dayax gacmeed hawada u dirayo wuxuu yir: ""Waxaan doorannay inaan annagu aadno dayaxa!"" Tartanki hawada sare ayaa halkiisa ka sii socday 1965-kii Midowga Soofiyet waxay haddana hawada sare u dirtay dayax gacmeed keligii uu qofna la socon wuxuuna dayax gacmeedkaasi uu soo taabtay dayaxa. Wakaaladda Hawada Sare ee Mareykanka NASA waxay dajisatay qorshe ballaadhan oo ay ku sii hormarineyso barnaamijka dayaxgacmeedka Apolo. Barnaamijkan oo ay ka howl galayeen 400,000 oo qof wuxuu ku kacayey dhaqaale dhan $25 bilyan oo doolar. Siddeed cirbixiyeen ayaa loo doortay howlgalka Apolo 11, waxayna kala ahaayeen Buzz Aldrin, Neil Armstrong iyo Michael Collins. Dayax gacmeedkan oo ah mid aad u weyn oo gantaalka sidana uu yahay Saturn V wuxuu ku shaqeeynayey barnaamijyada Apolo iyo adeegyadi uu lahaa waxaana looga tala galay inuu cirka soo taabto. Qorshaha NASA wuxuu ahaa qalabka aasaasiga ah ee hawada sare looga baahan yahay dayax gacmeedka inta uusan caga dhigan dayaxa in meeraha Orbit la geeyo kaddibna dayaxa looga sii socdo. Armstrong, Aldrin iyo Collin waxay kala qaybsadeen shaqooyinki dayax gacmeedka u suuragelin lahaa inuu qabto si looga gaaro ujeedki laga lahaa. Kooxdi ugu horreysay oo tijaaba ka sameyso meeraha Orbit wuxuu ahaa Apolo 11, iyo sanadki 1967-kii. Balse masiibadi ugu horreysay waxay dhacday inta ay tijaabadaasi socotay waxaana qarxay dayax gacmeedki caga dhigan lahaa Orbit waxaana halkaasi ku dhintay seddex cirbixiyeen oo dayax gacmeedkaasi saarneyd. Wixi intaa ka dambeeyey waxaa bilooyin hakad la geliyey in dayax gacmeed uu dad la socdo hawada sare loo diro. Inta lagu guda jiray Apolo 11 laftiisa waxaa dhacday cillad dhinaca isgaarsiinta oo la soo daristay dayax gacmeedka xaruunta dhulka ee laga hagayey, Koombiyuutarradana waxay bixiyeen cod digniin ah oo ay khubarada xaruunta joogtay ay horay u maqal. Waxaana dayax gacmeedkaasi uu gaari waayey halki loo asteeyey inuu caga dhigto. Dibaatadaasi marka ay dhacday 20-ka July 110 saacadood kaddib marki uu dayax gacmeedka dhulka ka maqnaa dayax gacmeedki dayaxa ayuu gaaray, Neil Armstrong ayaana noqday qofki ugu horreeyey oo dayaxa dul socdo, 20 daqiiqo kaddibna waxaa ku xigsaday Buzz Aldrin. Ereyada uu Armstrong isaga oo dayaxa korkiisa lugeynayo uu ku hadlayey waxaa laga dhageysanayey telefishiinno caalmaka ku kala yaallay. Laba qof oo kale oo iyaga la socdayna in ka badan laba saacadood waxay ku sugnaayeen meel ka baxsan dayax gacmeedka ay wateen iyaga oo dayaxa dushiisa sawirro isaga qaadayey oo cilmibaadhisyo kala duwanna sameeynayey. Cirbixiyeennadaasi marki ay dhulka u soo noqonayeen 24-ka July ayey badda Baasafika ku dul dhaceen. Dad ka badan 650 milyan oo dunida dacalladeeda ku kala nool ayaa si toos ah talafishinnada uga daawaneysay marki ugu horreysay oo dayaxa la tagay. Guushaasina Mareykanka waxay u horseedday inuu dunida u muujiyo inuu yahay waddan awood badan. 1972-kii guud ahaan 6 dayax gacmeed ayaa hawada sare loo diray inkasta oo ay jiraan tagitaanka hawada sare ee inay heerar kala duwan leedahay. Wakaaladda NASA waxay 2009-ka ay meeraha Orbit u dirtay dayax gacmeed kuwi hore ka casrisan wuxuuna soo qaaday sawirro ay tayadoodu sarreyso. Cir bixiyeennada iney dayaxa caga dhigteen waxay caddeyn ahaan dhulka ula soo noqdeen dhagaxaan ay sheegeen iney dayaxa dushiisa ka soo qaadeen. Mareykanka ayaana noqday waddanka keli ah ee ay u suuragashay inuu dayaxa dad u diro ayna dayaxa ku dul socdaan. Inkasta oo ay Ruushka, Japan, Shiinaha, iyo Hay'adda hawada Yurub, Israa'iil iyo Hindiya ay tijaabooyin ay dayaxa u direen dayax gacmeedyo uu dad la soconna ay dayaxa ka dajiyeen. Si kastaba ha ahaatee, tallaabbooyinka ay waddamadaasi u qaadeen dhinaca hawada sare ayaa lagu tilmaamay iney xagga teknooloojiyadda horumar ka gaareen. Dayaxa la tagayna waxaa lagu ogaaday iney Hydrogen iyo Oxygen leeyahay uuna ku wanaagsan yahay in dayaxa laga qodo macdinta dahabka, Platinium iyo macdin aad ugu yar dhulka ama aan lagaba helin balse waddamada teknooloojiyadda horumarka ka gaaray ma sheegin sida ay arrintaa u suurageli karto." https://www.bbc.com/somali/war-49005809 +sports Champions League: Xeerarka ay ciyaartoyda raacayaan xilliga kulamada Lisbon waa kuwa adag "Tartanka UEFA Champions League-gga ee uu saameynta ku yeeshay xauunka safmarka ah ee coronavirus wuxuu marayaa kulamada 'siddeed dhammaadka' kaas oo muddo 12 maalmood ah laga dheelo Lisbon. Sumcadda ciyaaraha kubadda cagta ayaa qalqal ku jirto sida uu sheegay guddiga Uefa, isagoo intaas ku daray in mustaqbalka isu imaatinnada caalamiga ah aysan suurtoobi doonin haddii aan la raacin nidaamka. Magaalada Lisbon, dhammaan siddeedda kooxood iyo saraakiishooda oo ay ku jirto Manchester City, ayaa laga doonayaa in ay raacaan shuruucda ku qoran dokumenti ka kooban 31 bog. Shuruucdaas qaarkood waxay ku adkaan doonta horyaalka kubadda cagta ee Yurub. Cayaartoyda kuma fekeri doonaan aaditaanka xeebaha iyo meelaha qurxoon ee Lisbon, iyagoo keliya hoteelka ka bixi kara haddii uu jiro heshiis hore - markaas xitaa looma oggola inay wax xiriir ah la sameeyaan qof ka baxdsan kooxdooda. Gudaha hoteellada, cayaartoyda waxaa loo sameeyay meelo u gaar ah oo ay ku cunteeyaan, waxaana cuntada u geyn kara keliya shaqaalaha kooxda. Sidoo kale waxaa dharkooda u dhaqi kara keliya shaqaalaha kooxda la socda. Nolosha cayaartoyga maalmahan waxaa la xiriira baaritaanno badan oo xanuunka coronavirus ah. Baaritaanno ayaa lagu sameeyay kahor inta aysan cayaartoyda aadin Portugal - labo qof oo ka tirsan Atletico Madrid ayaa laga helay fayraska waana loo diiday inay safraan. Baaritaanka ayaa sidoo kale laga fulin doonaa Lisbon maalin kahor kulan walba oo dhacaya. UEFA ayaa ballan qaadday in natiijada baaritaanka la heli doono ugu yaraan lix saac kahor kulanka. Balse haddi hal ama labo qof laga helo xanuunka waxay saameyn doontaa qorshaha kooxda. Waxaa xusid mudan in shuruucda UEFA ay tahay in kooxdu ay la timaaddo 13 cayaartoy iyo gool haye. Haddii aysan kooxdu sidaas sameyn karin waxaa loo oggolaanayaa in ay ku soo daraan koox qof aan hore loo diwaan gelin. Haddii intaas looga gudbo baaritaanka coronavirus, waxaa sii dheer baaritaannada daroogada awoodda jirka kordhisa. Saraakiisha dabagalka daroogada awoodda u yeesha qofka, ayaa baaraya kaadida cayaartoyda. Balse si lloo raaco shuruucda kala fogaanshaha bulshada, cayaartoda waxaa muraayad loogu dhejin doonaa suuliga hortiisa - taas oo xoogaa dhib ku ah. Sidoo kale, gaadiidka iyo goobta ay marti-sharafta ka baxaan ayaa jeermiska laga nadiifiyay. Diyaaradaha iyo basaska ayaa ku qasbanaan doona in jeermiska laga dilo, ""si loo yareeyo xiriirka bulshada kale"", cayaartoyda ayaa isticmaali doona goobaha la geeyo marti-sharafta ee garoomada. Calamada waa la oggol yahay, balse funaanadaha maya. Is dhaafsiga haddiyaha ee taageerayaasha kahor cayaarta ayaa isbeddel lagu sameeyay. Calamada waa la is dhaafsan karaa, balse qof walba oo u hanqal taagaya funaanadda Lionel Messi, ma heli doono, iyadoo cayaartoyda aan loo oggoleyn in ay is dhaafsadaan funaanadaha." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-53750050 +health Dalalka Afrika miyaa lagu dhacaa dawooyinka ay kasoo iibsadaan adduunka kale? "Waddamada qaaradda Afrika ayaa la sheegay inuu kharash aad u badan uu kaga baxo dawooyinka oo ay ku iibsadaan qiima u dhigma boqolkiiba 30% in ka badan qiimaha caadiga ah. . Khabiir ku takahsustay dhinaca dhaqaalaha oo BBC NEWS Day u warantay ayaa sheegtay in dalalka qaaradda Afrika uu dakhligooda hooseeyo ama dhexdhexadka yahay ay kharashka ugu badan ku bixiyaan dawooyinka waxtarka leh. Waddamada sida Zambia, Senegal iyo Tunisia, daawooyinka maalinlaha ah sida paracetamol qiimahood waxay ku kici karaan ilaa 30% boqolkiiba wax ka badan qiimaha caadiga ah ee ay ka joogaan Ingiriska iyo Marekanka. Suuqyada dawooyinka ee dalalka saboolka ah in lagu xad gudbo, islamarkaasna aanan la dhawrin sharciyada tartanka xalaasha ah ee ganacsiga. Ms Chalkidou, oo ah agaasimaha barnaamijyada caafimaadka ee caalamiga ah ee hay'adda Centre for Global Development., waxay soo saartay warbixin ku saabsan kala iibsiga dawooyinka oo ay dhawaan soo gabagabeysay. Waxayana warbixintu inta ku dartay in dalalka horey u maray ay iibsadaan dawooyin badan, iyaga oo si wanaagsan u gorgortama, qiimo jabana ku hela, halka kuwa faqiirka ay ku helaan qiimo qaali ah, balse tayadoodu liitado. Dalalka faqiirka ah qiimo jaban ayay dawooyinka ku helaan marka dalalka deeqda bixiya ay dawo kusoo iibinayaan magacooda, sababtoo ah dalalkan ayaa u galaya gorgortanka wax kala iibsiga. ""Arrintanna ayaa noqoneysa mid aad u dhib bdan,"" ayey tiri Chalkidou. Dalalka dakhligoodu xoogaa soo kobcay ""awood kooban ayay u leeyihiin inay ka gorgortamaan qiimaha lagaga iibiyo iyo alaabo tayada leh"" balse waxaana jira waxyaabo badan oo saameynaya oo la xiriira canshuuraadka iyo musuqmaasuqa. Waxay sheegtay in qawaaniintaan adag ay sababtay iney tayada daawooyinka aysan waligoodba sare u kicin oo ay hooseyso. Warbixinta ayaa ku talineysa in wax laga beddelo iskaashiga heer caalami,dib-u-habeynna lagu sameeyo siyaasadaha Hay'adda Caafimaadka Adduunka iyo waddamada ay siyaasadahaasi saameynayaanba waxay wanaajin kartaa kala iibsiga dawooyinka iyo hoos u dhigidda qiimaha aadka u sarreeya oo dawooyinka ku kaca." https://www.bbc.com/somali/war-48702096 +politics Mareykanka oo shaaciyay tirada dadkii kaga waxyeelloobay weerarkii saldhigga milatariga Warbixin ay soo saartay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta milatari ay ku dhinteen hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo reer Mareykan ah. Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya. Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in laba qof oo kale oo ka tirsan wasaaraadda gaashan dhigga uu dhaawac ka soo gaaray weerarkii saakay. ''Xaaladda dhaawacooda, haatan wuu wanagaasanahay, gudaha Kenyana waa laga qaaday'' sidaasi waxaa sheegay taliyaha milatariga Mareykanka ee Afrika. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qarax kaddibna ay xigtay rasaas goobta ka dhacaysa. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Janaraal Stephen Townsend ayaa warbixinta ku sheegay: '' Qalbiyadeena iyo ducadeena ayaa la jira qoysaskii iyo saaxibadeenii ku geeriyooday weerarkii argagixisada ee maanta.'' Ururka Al-Shabaab oo xiriir la leh ururweynaha Al-Qaacidah ayaa dagaal kula jira dowladda Soomaaliya ee ay baritaarto Qaramada Midoobay, waxa ayna gudaha Soomaaliya ka gaystaan weerraro ay dad badan ku dhintaan. Waxaa ugu dambeeyay qaraxii 28-kii bishii Diseembar ka dhacay bar koontarool oo ku taal magaalada Muqdisho, halkaas oo inta la og yahay naftooda ay ku waayeen in ka badan 80 qof. Sidoo kale in ka badan 120 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay isgoys aad u mashquul badan, waxaana weli jira dad aanan nolol iyo geeri midna lagu hayn. Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ah laba qof oo u dhalatay Turkiga, sida ay xaqiijisay safaaraddooda Muqdisho oo barteeda Twitter-ka ku qortay arrintaas. Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya. Weerrarka lagu qaaday saldhigga Simba ee degmada Manda Bay ayaa waxa uu dhacay waxyar un ka hor inta uusan waaga baryin. Xoogagga Difaaca Kenya KDF ayaa sheegay in afar ka mid ah, dableeyda weerarka soo qaadday la dilay, sidoo kale afhayeen u hadlay Xoogagga Difaaca Kenya KDF wuxuu sheegay in dab ka dhashay weerarka la damiyay uuna haatan wanaagsan yahay xaaladda saldhigga. Gegi diyaaradeed oo shacabka isticmaalaan oo aan sidaa uga fogeyn goobta la weeraray ayaa iyadana dib loo furay. Sida ay sheegeen saraakiisha duullimaadka. Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay in qeybta isqarxinta ee ururkaasi ay khasaare culus gaarsiiyeen saldhiggaasi oo qeyba ka mid ah ay qabsadeen. Waxyna Ururka sidoo kale sheegeen in milatariga Kenya ay diyaarado isticmaaleen si ay isaga caabiyaan weerarka. Wakaaladda Wararka ee AP ayaa soo tabisay in laba diyaaradood, laba helikobtar oo uu Mareykanka leeyahay iyo dhowr baabuur lagu bur-buriyay saldhigga la weeraray. Al-Shabab ayaa sheegtay iney dileen 9 askari oo Kenyaan ah iyo 17 ka tirsan xoogagga Mareykanka. Wuxuuna ururka intaasi ku daray in toddobo diyaaradood iyo shan gaari oo kuwa milatariga ay buburiyeen. Weriye ka tirsan VOA ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirro ay Al-shabaab ku sheegeen iney yihiin diyaarad uu Mareykanka leeyahay. Sida ay soo tabisay AP saldhigga la weeraray waxaa ku sugnaa ciidamo Mareykan ah oo boqol ka yar, waaana weerarkii ugu horreeyay ee ay AL-shabaab ku bartilmaameedsato xoogagga Mareykanka ee ku sugan Kenya. https://www.bbc.com/somali/war-51003234 +sports Ciyaartii Mareykanka iyo Iiraan ee hawada diyaaradaha looga xiray "Labo sano kaddib markii ay xulalka Mareykanka iyo Iiraan isku arkeen ciyaartii Koobka Adduunka ee 1998-kii, waxay mar kale kulmeen sanadkii 2000. Ujeeddadu waxay ahayd in ciyaartaas ay xiriirkooda hagaajiso - laakiin wax walba sidii loo qorsheeyay uma dhicin. 11-kii bishii July ee sanadkii 1998-kii ayaa la hindisay fikrad ku saabsan in labada waddan ay ciyaar saaxiibtinnimo ah ku yeeshaan gudaha Mareykanka, laakiin kulankaas wuxuu sabab u noqday in FBI-da ay howl adag xil iska saaraan, hawada Mareykankana diyaaradaha laga xiro. Habeenka fikradda la soo bandhigayay waxaa magaalada Paris ka socotay munaasabad qeyb ka ahayd ololaha xayeysiinta ee uu Mareykanka ku doonayay inuu ku martigaliyo Ciyaarihii Koobka Adduunka ee Haweenka loo qabtay 1999-kii. Kasoo qeyb galeyaashii xafladda waxaa ka mid ahaa labo nin, oo si fool-ka-fool ah isu arkay, iyaga ayaana keenay fikradda. Labada nin mid wuxuu ahaa Mehrdad Masoudi, oo ah nin Iiraan u dhashay oo sii dhammeysanayay muddo xileedkii agaasimaha waaxda isgaarsiinta ee Xiriirka Kubbadda Cagta Canada. Kan kalena wuxuu ahaa Hank Steinbrecher, Xog-hayihii guud ee xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka. Shaqooyinka ay qabtaan xiriirrada Kubadda Cagta ee dalalka intooda badan lama ansixiyo ilaa uu saxiixo Xog-hayaha Guud. Saddex isbuuc ka hor xilligaas waxaa dhacday ciyaartii taariikhiga ahayd ee ay xulalka labada waddan ku hardameen, taasoo Iiraan ay guusha ku raacday 2-1. Ma ahayn kulan caadi ah, oo la mid ah kulamada xulalkii kale, maadaama labada waddan ay cadaawad ka dhaxeysay. Ciyaar aad u xamaasad badan ayaa dhex martay. Iiraan waxay xilligaas ku jirtay cunaqabateyn uu Mareykanka kusoo rogay tan iyo markii 52 lagu afduubtay safaaraddii uu ku lahaa Tehran sanadkii 1979-kii. Isla sannadkaas ayey dowladda Islaamiga ah ee Iiraan dhalatay kaddib markii la afgambiyay boqortooyadii Shaah ee ay saaxiibka ahaayeen Xukuumadda Washington. Laakiin maalintii ay ciyaarta dhaceysay, madaxweynihii Mareykanka ee maamulka hayay, Bill Clinton wuxuu khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu rajeynayo in kulankaas xiisaha badan uu noqdo tallaabo loo qaaday wanaajinta xiriirka labada dal. Xitaa markii ay ciyaarta billaabaneysay, hadiyado ay keeneen ciyaartoyda reer Iiraan ayaa lagu harqiyay ciyaartoyda Mareykanka. Natiijada ka sokow, ciyaartu waxay ahayd mid laga gaaray guul weyn oo dhinaca diblomaasiyadda ah, arrintaasna wali waxay kasii guuxeysay labada maskax ee Masoudi iyo Steinbrecher ""Waxaan idhi, 'Hank, ka warran haddii aan xamaasaddaas dib u soo celinno mar kale?'"" ayuu yidhi Masoudi, oo xiriir fiican la lahaa madaxda Xiriirka Kubadda Cagta ee Iiraan, islamarkaana doonayay inuu ka shaqeeyo sidii ay labada xul dib ugu kulmi lahaayeen. ""Labo ciyaarood oo ka kala dhaca labada waddan. Xulka Iiraan ha tagaan Mareykanka sanadka dambe xilliga ay ku beegan tahay sanad guurada kulankii Koobka Adduunka, Idinkana inaad Iiraan tagtaan sanadka ku xiga."" Steinbrecher wuu ka helay fikraddii, isaga qudhiisana wuxuu fahmay in halkaas ay ku jirto fursad. ""Ciyaartii Koobka Adduunka ee aan la yeelannay Iiraan waxay ahayd guul darradii ugu xumeyd ee isoo martay,"" ayuu yidhi. ""Saddex jeer ayaan birta ku dhufannay kubadda. Ciyaar xumo nama aysan heynin ee nasiibka ayaa naga hiilliyay, sidaas darteed waxaad doonayay inaan ciilkaas iska bixiyo. Wa na garaaceen, annaguna waa inaan markeenna garaacno."" Dhanka kale waxaa jirtay rajo laga qabay in Mareykanka iyo Iiraan la isugu soo dhaweeyo diblomaasiyad ahaan. Markii ay is gacan qaadeen Masoudi iyo Steinbrecher, durba saacaddii way ku billaabatay, waxaana hor yaallay inay ka gudbaan caqabado badan oo siyaasadeed. Dowladda Iiraan waxay arrintaas ku xirtay shuruud weyn oo ay ku dalbatay in ciyaartoydeeda marka ay tagaan Mareykanka aan faro laga qaadin, sawirna laga qaadin, taasoo ka dhan ah sharciga waaxda socdaalka ee Mareykanka. Caqabado badan kaddib waa la oggolaaday qodobkaas. Markii hore qorshuhu wuxuu ahaa in ciyaarta hore ay Washington DC ka dhacdo xagaagii sanadkii 1999-kii. Laakiin in Caasimadda Mareykanka lagu ciyaaro way u cuntami weysay Iiraaniyiinta, dowladduna ma aysan dooneynin in ciyaartoydeeda ay halkaas tagaan. Taas baddalkeeda kulanka waxaa lagu muddeeyay bishii January ee sanadkii 2000. Waxaa la qorsheeyay inay ka dhacdo garoon ku yaalla magaalada Los Angeles oo hoy u ah in ka badan 500,000 oo reer Iiraan ah. Caqabado badan ayaa soo wajahay hirgalinta ciyaarta Mareykanka iyo Iiraan laakiin ugu dambeyn xulka reer Iiraan way tageen Mareykanka. Xulka Kubadda Cagta ee Iiraan waxay noqdeen kooxdii labaad ee ka socota Iiraan oo ciidda Mareykanka cagta saarta tan iyo wixii ka dambeeyay xilligii uu kacaanka Iiraan xukunka la wareegay sanadkii 1979-kii. Kooxda kale ee ka horreysay waxay ahaayeen kooxda musaaracada Iiraan oo Mareykanka lagu qaabilay shan sano xilligaas ka hor. Islamarkii ay xulka reer Iiraan gaareen Mareykanka waxaa billowday cadaadis lagu saarayo in ay ciyaarta baajiyaan. Waxaa loo dirayay farriimo iyo wicitaanno hanjabaado ah iyo kuwo lacago loogu ballan qaadayay. Ujeeddada loo maleynayo in looga soo horjeeday kulanka waxay ahayd in shirkadaha xayeysiinta la siiyay ay kusoo shaac bixinayeen khamro, taasna loo arko mid ka dhan ah diinta. Waxaa heer xun gaaray cabsida soo wajahday xulka Iiraan, ilaa markii dambe amnigooda ay xoogga saartay dowladda Mareykanka. Hoteelka ay dagganaayeen agagaarkiisa waxaa laga ilaaliyay in gawaari la dhigo, iyagana waxaa si qarsoodi ah u ilaalinayay ciidamo ka tirsan FBI-da oo gaarigooda lagu xardhay astaamaha Iiraan, si aan loo aqoonsanin. Labo maalmood ka hor kulanka, tababarihii xulka Iiraan ee xilligaas, Mansour Pourheidari, ayaa lasoo wacay waxaana loo ballan qaaday $1milyan oo doolar oo la siinayo haddii uu ciyaartaas baajiyo. Dadka soo wacay waxay sheeganayeen inay yihiin madaxda ugu sarreysa dowladda Iiraan. Laakiin dhag jalaq uma uusan siinin, wuxuuna u sheegay in mas'uuliyiinta dowladda Iiraan ay si toos ah ula soo xiriiri karaan. Maalintii ay garoonka ciyaartu ka dhaceysay tagayeen waxaa hoteelka markii hore laga bixiyay gaari ay saaran yihiin ciyaartooy been abuur ah, ciyaartoydii saxda ahaydna waxaa laga bixiyay albaabka dambe. Iyadoo laga cabsanayo arrin markii dambe dhacday 9/11, oo ah in garoonka ciyaartu ka shaceysay ay soo weeraraan dad diyaarado adeegsanaya, waxaa la xiray hawada magaalada uu ku yaallo garoonka ay labada xul ku ciyaarayeen, waxaana laga mamnuucay inay wax diyaaro ah adeegsadaan. Saeed Mousavian, wuxuu ka mid ahaa taageerayaashii tiradoodu ahayd 50,181 ee ciyaartaas garoonka ka daawanayay. ""Meeqo dheer ayaad nasiib u yeelan kartaa inaad daawato xulka qarankaaga? waxaan dareemayay in fursaddaas aysan waligey mar kale isoo mari dooni,"" ayuu yidhi. Mehdi Mahdavikia ayaa Iiraan u dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee ciyaartaas, laakiin waxay markii dmabe ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah. Natiijadaas waxay ahayd tan kaliya ee dajineysay xiisadda siyaasadeed ee labada waddan." https://www.bbc.com/somali/war-55352297 +politics Dagaalka Afgaanistaan: Siday Taalibaan sida degdega ah ugu qabsanayaan dhul ballaaran? "Xawaaraha ay Taalibaan ku socoto oo ay ugu ruqaansanayso deegaannada Afgaanistaan ayaa u muuqda in dad badan ay la yaaben - iyadoo caasimad goboleeyaduna ay u muuqdaan kuwo si fudud gacantooda u soo galaya. Xawaare muuqda ayey ku socdaan fallaagadu, halka dowladda Afgaanistaan ay la daalaa dhacayso sidii ay awoodda u soo xagsan laheyd. Todobaadkan, warbixin la dusiyay oo uu lahaa sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu qiyaasay in magaalada Kabul uu dagaalku ku soo gaari doono muddo todobaadyo ah, dowladduna ay ku burburi doonto 90 casho. Marka sidey sida degdega ah ugu kala furfurteen? Mareykanka iyo isbahaysiga Nato - oo ay ku jirto UK - waxa ay inta badan 20-kii sanadood ee la soo dhaafay tababarayeen oo ay qalabaynayeen ciidammada Afgaanistaan. Janaraallo badan oo isugu jira Ameerikaan iyo British ayaa waxa ay ku andacoodeen inay Afgaanistaan u dhiseen milateri awood badan. Arrintaas oo maanta u muuqata mid aanay waxba ka soo naasa-caddayn. Dowladda Afgaanistaan ayaa fikrad ahaan waxa ay weli tahay midda gacan sarraysa oo ciidammo badan ayey haysataa. Ciidammada ammaanka ee Afgaanistaan ayaa waxa ay ka badan yihiin 300,000, kuwaas oo ah inta diiwaanka ku jirta. Ciidammadaasna waxa ay isugu jiraan milateriga Afgaanistaan, ciidammada cirka iyo booliskaba. Hasayeeshee dhabtu waxa ay tahay in dalkaas uu marwalba la daalaa dhaco inuu gaaro bartilmaameedkiisa ku aaddan qoroshada ciidammada. Milateriga iyo booliska Afgaanistaan ayaa waxaa hore u soo gaaray waxyeellooyin waa wayn, goosasho iyo musuq maasuq - iyadoo abaanduulayaal aan daacad ahayn ay qaataan mushaarka ciidamo aanan jirinba. Warbixintii ugu dambaysay ee xafiiska Kormeeraha Guud ee Gaarka ah ee Afgaanistaan (SIGAR) uu siiyay Kongareeska Mareykanka ayuu ku qeexay ""walaac xooggan oo uu ka qabo saamaynta taban ee uu musuq maasuqu reebay… iyo sida ay sax u tahay xogta quwadda ciidammada ammaanka"". Jack Watling oo ka tirsan mac-hadka the Royal United Services Institute, ayaa sheegaya in xitaa milateriga Afgaanistaan weligiiba muusan hubin inta ay la eg tahay tiradiisa rasmiga ah. Waxa uu intaasi ku daray in dhibaatooyin ay ka jirtay in qalabka la ilaaliyo iyo weliba niyadda ciidammada, kuwaas oo badanaaba loo diro deegaanno aanay joogin qabiilkooda amaba aanay wax xiriir qoys ah kulahayn. Taas oo ka mid ah sababaha ciidammo badan ay si degdeg ah uga tagaan xeryahooda iyagoon wax dagaal ah gelin. Badanaaba waa ay adag tahay in la cabbiro quwadda Taalibaan. Sida ay sheegtay Xarunta Ladagaalanka Argagixisada Mareykanka ee West Point, ciidammada Taalibaan waxa ay gaarayaan illaa 60,000 oo dagaalyahan. Haddii lagu daro maleeshiyaadka kale iyo taageerayaashoodana waxaa suuragal ah in tiradu ay dhaaftaba 200,000. Hasayeeshee Dr Mike Martin, oo hore uga tirsanaan jiray milateriga Britain oo baaray taariikhda colaaddii Helmand kuna soo bandhigay buuggiisa An Intimate War, ayaa ka digay halista ah in Taalibaan lagu tilmaamo urur wayn. Waxa uu ku doodayaa ""Taalibaan waa sida iskaashato madax bannaan oo leh ganacsi ballaaran aadna isugu dhaw - ayna u badan tahay in xaalkoodu uu ku meelgaar yahay - kuwaas oo midba midka kale uu walaayadda u dhiibtay"". Waxa uu sheegayaa in dowladda Afgaanistaan-na ay la dageen ururaysi, oo taariikhda dalkaas ayaa waxa ay tilmaamaysaa sida qoysaska, qabaa'illada iyo xitaa saraakiisha dowladda ay isku gadgadiyaan - iyagoo badanaa maanka ku haya sidii ay u badbaadi lahaayeen. Markale, dowladda Afgaanistaan ayaa haysata fursadda markii ay timaado maalgelinta dhaqaale iyo hubkaba. Waxa ay heshay balaayiin doolar oo ay isaga bixiso mushaarka ciidammada oo misana ay agab milateri ku soo iibsato - dhaqaalahaas oo intiisa badan uu Mareykanku bixiyay. Warbixintii July 2021 uu soo saaray SIGAR ayaa waxaa lagu sheegay in in ka badan $88 bilyan lagu kharash gareeyay ammaanka Afgaanistaan. Hasayeeshee waxa ay intaasi ku dareen walaaca ah ""su'aal ka taagan in lacagtaas si wanaagsan loo isticmaalay, taas oo jawaabteeda laga dheehan doono waxa ka soo baxa dagaalka gudaha dalkaas ka soconaya."" Ciidammada Cirka ee Afgaanistaan ayaa dowr muhiim ah ka ciyaari kara dagaalka. Balse waxa ay si joogta ah ula daalaa dhacayeen daryeelka 211 diyaaradeed oo howlwadeennadoodaba (iyadoo dhibaatadana ay ka sii dartay markii Taalibaan ay si bareer ah u beegsadeen duuliyayaasha ciidammada cirka). Sidoo kalana guulo wax ku ool ah taliyayaasha kama soo hooyaan dagaalka. Taas oo horseedday in ciidammada cirka ee Mareykanka ay ka qeybqaatan duqeynta dhanka cirka ah ee dagaalkii dhawaan ka dhacay sida magaalada Lashkar Gah, taas oo ay Taalibaan soo weerrareen. Welise ma cadda mudada uu Mareykanka sii wadi doono taageerada noocaas oo kale ah. Taalibaan ayaa badanaa waxa ay ku tiirsan yihiin kharashka ka soo xarooda ganacsiga maandooriyaha, balse sidoo kale waxa ay taageero ka helaan dibadda sida Pakistan oo kale. Dhawaantan Taalibaan ayaa waxa ay ciidammada ammaanka ee Afgaanistaan ka qabsadeen hub iyo agab milateri - kuwaas oo qaarkood uu Mareykanku bixiyay - oo ay ku jiraan gawaarida gaashaaman ee Humvee-ga loo yaqaan, qalab habeenkii wax lagu arko, boobayaal, hoobiyayaal, iyo madaafiicba. Afgaanistaan waxaa yaal hub badan kuwaas oo dalka loogaga tagay kaddib dagaalkii Midowgii Soofiyeet, Taalibaannada waxa ay mujiyeen in xitaa ay ka adkaan karaan ciidammo wata hub casri ah. Bal malee dhimashada badan ee ka dhalatay walxaha qarxa ee lagu beegsaday ciidammada Mareykanka iyo Britain. Iyadoo aqoonta iyo fahanka dhulka ay gacan waysay siisay Taalibaan. Walow dabci kala duwan ay Taalibaanku leeyihiin, qaar ayaa weli hore u socod u arka qorshaha iskuxiran ruqaansigoodan ugu dambeeyay. Ben Barry, oo ah janaraal ka tirsanaan jiray ciidammada Britain haatanna ka tirsan Mac-hadka the Institute of Strategic Studies, ayaa qiraya in guusha Taalibaan ay tahay mid fursad ku salaysan, hasayeeshee waxa uu intaasi ku daray: ""Haddii aad qori rabtid qorshe olole waxaan anigu la iman lahaa qorshe midkan ka wanaagsan."" Waxa uu tilmaamay in weerrarada Taalibaan diiradda lagu saaray waqooyiga iyo galbeedka, oo aanay eegimba dhulka koonfureed ee ay caadiyan aadka ugu xooggan yihiin, iyadoo caasimadaha gobolladana ay si xiriir ah gacantooda ugu soo dhacayeen. Taalibaan ayaa sidoo kale waxa ay qabsadeen deegaanno muhiim ah oo xadka loogaga tallaabo iyo baro koontarool, arrintaas oo sare u qaadaysa kharashka kastamyada ka soo gala ee ay aadka ugu baahan yihiin halkaas oo ka fog gacanta dowladda. Waxa ay sare u qaadeen dilka ay ku beegsanayaan saraakiisha muhiimka ah, dadka u ololeeya xuquuqda aadanha iyo weriyayaasha. Si tartiib ah balse hubanti leh ayaa waxa ay u baabi'inayaan horumarkii yaraa ee la sameeyay 20-kii sanadood ee la soo dhaafay. Markii la eego istaraatiijiyadda dowladda Afgaanistaanna - arrintaasi waa mid ay adag tahay in la macneeyaba." https://www.bbc.com/somali/war-58212152 +health RSV: Fayraska aan wax badan laga aqoon ee carruurta ku dhaca "Horraantii sanadkan 2021 shaqaalaha Isbitaalka Carruurta Maimonides ee Brooklyn, New York, ayaa dareemay nafis. Kiisaska Covid-19 ee magaalada ayaa hoos u sii dhacayay. Sababo ka dhashay kala fogaanshaha bulshada, xirashada af-saabka iyo dhaqashada gacmaha, sidoo kale kiisaska xanuunnada kale sida hargabka ayaa yaraaday. Balse bishii March tiro aad u badan oo carruur iyo dhallaan qunfacaya ah ayaa la keenayay isbitaalka, qaarkood waxay la harjadayeen neefsashada. Waxaa ku dhacay RSV, o ah fayras ku dhaca neef-mareenka, waana fayras la arko xilliyada qaboobaha wuxuuna sababi karaa dhibaatooyin dhanka sambabbada ah. Xilligan sannadka, kiisaska RSV waxay ahaayeen inay yaraadaan. Balse taa beddelkeed, way kordhayeen. Bilihii xigay, kiisaska kordhaya ee RSV ayaa lagu arkay koofurta Mareykanka, Switzerland, Japan iyo UK. Dhaqaatiirta ayaa sheegay in dabeecadda la yaabka leh ee fayraska ay u muuqato mid la mid ah tan Covid-19. Sannadkii la soo dhaafay, xayiraadaha iyo tallaabooyinka faya-dhowrka ayaa hoos u dhigay faafitaanka coronavirus, iyo fayrasyada kale sida RSV. Carruurtu iskama difaaci karaan fayrasyadan. Markii la dabciyay tallaabooyinkan, RSV ayaa ku dhacay dhallaan iyo carruur badan, taas oo keentay kororka fayraskan ee xilligan aan la fileyn. Wuxuu noqday mid xilli walba oo sannadka ka mid ah ka yaabin kara qoysaska iyo isbitaallada. Dillaacitaanka fayraskan ee xilligan aan la fileyn ayaa keenay in ay buuxsamaan qeybaha la seexiyo carruurta uu ku dhaco. Shaqaalaha isbitaallada, ayaa la kulmay xaalado aan caadi ahayn. ""Qeybteenna daryeelka gaarka ah ee ICU mar kale way buuxsantay. Balse marka maaha Covid, ee waa fayras kale,"" ayay tiri Rabia Agha, oo ah agaasimaha qeybta xanuunnada faafa ee carruurta ee isbitaalka Maimonides. Markii uu xanuunku aad u jiray, horraantii April, inta badan carruurtii la gelinayay ICU waxay qabeen RSV. Daafaha dunida, fayraska ayaa saameyn ba'an ku yeeshay carruur yaryar oo bilooyin laga difaacayay xanuunnada faafa, haatanna uu si kedis ah ugu dhacay. ""Wuu naga yaabiyay. Waynu ogeyn inuu yahay wax la filan karo, balse uma qabin in tiradu sidaa u badnaan doonti,"" ayuu yiri Christoph Berger, madaxa waaxda xanuunnada faafa ee Isbitaalka University Children's Hospital ee magaalada Zurich. Isbitaalkiisa, kiisaska RSV ayaa inta badan la arki jiray January, halka ay yaraan jireen bilaha xaagaga ee June ilaa August. Sanadkan, wax kiisas ah lama arkin Gu'ga. Taas beddelkeed, waxay kiisasku kordheen June, waxayna July gaareen 183, tiradaas oo ka badan tii xilliyadii qaboobaha ee sanadkii hore. ""Waynu buuxnay, sariir walba bukaan ayaa jifay, taasina caqabad ayay ahayd,"" ayuu yiri Berger oo dib u milicsanaya bishii July. Isbitaalkiisa ayaa ku qasbanaaday in carruurta la xanuunsan RSV uu u wareejiyo isbitaallada kale ee firaaqada ah. Isbitaallo kale oo badan oo ku yaalla Switzerland ayaa la kulmay isla xaaladdaas. RSV ayaa xagaagii dhibaato ka badan tan coronavirus ka geystay Switzerland. ""Intii lagu guda jiray xilligaas ma aynaan arag kiisaska Covid,"" ayuu yiri Berger. Carruurtii yareyd ee isbitaalka loo geeyay Covid si deg deg ah ayay uga boodeen. ""Kuwii qabay RSV muddo dheer ayay sii joogeen,"" ayuu yiri. Caabuqa RSV ma aha waxa dhiillada leh. Sida laga soo xigtay Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka, inta badan carruurta mar buu ku dhacaa marka ay gaaraan labo sano. Inta badan waxaa lagu arkaa calaamado sida hargabka ah, sanka oo biyo ay ka dareerayaan iyo qufac, wayna ka caafimaadaan. Balse dhallaanka qaar iyo carruurta yar yar, wuxuu ku sababi karaa quuman, waxaana dhib ku noqon karta neefsashada. Qiyaastii 1-2% boqolkiiba carruurta ay da'doodu ka yar tahay 6 bilood ee uu ku dhaco RSV ayaa loo qaadaa isbitaalka waxaana la siiyaa hawada oksojiinka si ay u soo kabtaan. Qaarkood ayaa u baahan kara tubooyinka quudinta. Marka ay caawinaaddaas helaan, intooda badan maalmo gudahood ayay ku caafimaadaan. Kahor xanuunka safmarka ah ee coronavirus, isbitaallada ayaa u diyaar garoobi jiray kororka kiisaka RSV marka uu dhow yahay xilliga qaboobaha. Bukaannada khatarta ugu badan ku jira sida carruurta xilligooda ka soo hormaray iyo kuwa qaba dhibaatooyinka dhanka wadnaha ayaa waxaa lagu dabiibi karaa palivizumab, waa tallaal difaac ah oo ka acawin kara inay fayraska la dagallamaan. Tallaalkan ayaa la siiyaa bil walba marka uu socdo fayraska RSV. ""Tallaabooyinkii loo dejiyay Covid dartood, dadku ma aysan kulmeyn, ma aysan safreyn, aad beyna uga taxadarayeen xirashada af-saabka iyo kala fogaanshaha,"" ayay tiri Agha. ""Taasina waxay dhab ahaantii gacan ka geysatay xakameynta Covid iyo dhammaan fayrasyada kale. Sidaas darteed, hal xilli oo RSV ah ayaa gebi ahaanba la waayay. Haddii aad hal xilli ka badbaaddana, ma yeelaneysid difaac, hooyooyinkuna ma yeelanayaan difaac ay u gudbiyaan dhallaanka."" Taas waxaa ka dhalanaya, in caruurta ay u nuglaadaan RSV marka ay xaaladdu caadi ku soo noqoto. Xog laga helay dalal kala duwan ayaa waxay taageereysaa fakradda ah yaraanta difaaca jirka haddii fayraska aan la arkin hal xilli. ""Kiisaska ugu badan waa carruurta ay da'doodu ka yar tahay hal sano, kuwaas 'oo ka booday' hal xilli oo RSV ah"", ayay saraakiisha Caafimaadka Bulshada England ku yiraahdeen email ay u soo direen BBC-da, kaas oo ay ku sharxayaan kororka kiisaska fayraska ee xagaagii lagu arkay qeybo ka mid ah England. Su'aal muhiim ah oo la is weydiinayo ayaa ah in waxa arrintan ay uga dhigan tahay bilooyinka soo socda. Kororka xagaaga lama micno aha inaysan jirin doonin kiisas badan marka ay cimiladu isku beddesho qabow. Meelaha qaarna, kiisaska ayaa haatan uun kordhaya. ""RSV, iyo quumanka ay sababto, waa waxa ugu weyn ee ay haatan isbitaallada carruurtu isu diyaarinayaan, iyagoo filaya, haatanba arkay iyo ka dhursugaya,"" ayay tiri Sophia Varadkar, oo ah agaasime ku xigeenka isbitaalka Great Ormond Street Hospital ee London. Isbitaalkeeda, kiisaska ayaa sii kordhaya, waxayna fileysaa in toddobaadyada soo socda la arko kuwo kale oo badan. Kuwa xannaaneynaya dhallaanka, RSV wuxuu uga daran yahay Covid-19, ayay tiri Varadkar. ""Covid-ka carruurta, guud ahaan, ma aha xanuun daran. Carruur badan lama aysan xanuunsan runtii. RSV waa xanuun daran, [oo saameynaya] carruur badan, waanan ognahay in carruurtaas yar yar uu ka dhigi karo kuwo ildaran,"" ayay tiri. ""Inta badan carruurta, wuxuu u noqon karaa xanuun aan darneyn, waaliddiintooda ayaa daryeeli kara, waxay keliya u baahan yihiin daryeel, quudin badan, waqti deggan, paracetamol haddii ay xummad heyso, intaas un bey u baahan yihiin,"" ayay tiri Varadkar oo ku sugan London. Balse haddii ilmuhu la dhibtoonayo neefta iyo wax cunidda, amaba uu waalidku dareemo inay wax khaldan yihiin, waa inay caawinaad raadsadaan, ayay tiri. Isbitaalka Maimonides ee Brooklyn, haatan ma badna kororka kiisaska RSV. Balse Agha ayaa aaminsan in cashar weyn uu ugu jiro isbitaallada la qabsanaya saameynta ka dhalatay Covid-19. ""Waxa ay ina bartay waa inaad diyaar garowdaa,"" ayay tiri Agha. ""Arrimuhu ma aha sidii ay ahaan jireen labo sano kahor. Noloshu way is beddeshay, dunidu way is beddeshay, fayrasyadaanna way is beddelayaan oo waxay la imaanayaan qaabab aan la fileyn .""" https://www.bbc.com/somali/war-58574088 +politics "Mareykanka iyo Soomaaliya: ""Al Shabab waxay heshay xorriyad dheeri ah oo ay ku dhaqaaqi karto""" "Pentagon-ka ayaa diyaarinaya soo jeedin ah in tobannaan tababarayaal ah, oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran, loo dirayo dalka Soomaaliya si ay uga caawiyaan ciidamada maxalliga ah la dagaalanka Al Shabab. Tallaabadaas waxay qeyb ahaan muujinayso in dib looga laabanaya go'aankii lama filaanka ahaa ee madaxweyne Donald Trump uu kaga saaray Soomaaliya, ku dhowaad 700 oo ka tirsan ciidamada Mareykanka, bishii Janaayo. Amarkii Trump ee ahaa in ciidamada dhulka laga soo saaro Soomaaliya, waxay qeyb ka ahayd rabitaankiisa ah in la joojiyo hawlgallada militari ee muddada dheer socday, ee looga soo horjeeday kacdoonnada Islaamiyiinta ee ka socda waddammada Afrika iyo Bariga Dhexe. Howlgallada ugu wayn ee Mareykanka ee la dagaallanka waxa loogu yeeray argagixisada waxay bilowdeen ka dib weerraradii 11/9, ee 2001. Rabitaanka siyaasad dejiyeyaasha militariga ee ah in ay ku laabtaan Soomaaliya, waxay muujineysaa caqabadaha Pentagon-ka kala kulmi karo latalinta ciidamada Afgaanistaan, iyaga oo aan dalka ku sugnayn, ka dib markii uu Pentagon-ka fuliyay amarkii Madaxweyne Biden ee ahaa in dalkaas laga saaro tirada askartii Mareykanka ee ugu dambeeysay ee gaaraysa 3,500 oo ku sugnaa Afghanistan. Soo-jeedinta weli lama hor geynin Xoghayaha Difaaca Lloyd J. Austin, sida ay saraakiishu sheegeen. Sidoo kale, ma cadda in Biden uu oggolaan doono qorshahaas. Diblomaasiyiinta iyo kooxaha korjoogtada ah, ayaa ka digay in - dalkan oo muddo soddon sano ah ku jiray xaalado jahwareer leh - uu mar kale qarka u saaran yahay fowdo, iyadoo dadaalka dib u dhiska Soomaaliya uu haatan khatar geli karo. ""Al Shabab waxay heshay xorriyad dheeri ah oo ay ku dhaqaaqi karto,"" ayuu yiri Maj. Gen. Dagvin R.M. Anderson, oo ah taliyaha ciidamada howlgalada gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika. Jeneral Anderson wareysigiisii ​​ugu dambeeyay wuxuu Al Shabab ku tilmaamay ""kooxda ugu balaaran, ugu taajirsan, uguna rabshadaha badan, marka la barbardhigo kooxaha kale ee Al-qaacida xiriirka la leh ee dunida. Go'aankii Trump ayaa ka nixiyay qaar ka mid ah Soomaalida gudaha dalka ku sugan, kuwaas oo madaxweynaha cusub Joe Biden ka codsaday inuu wax ka beddelo arrintaas. Sanator Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa go'aankaas ku tilmaamay ""mid aad looga shalleyn karo"". Wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ay wax weyn ka qabteen tababarka iyo tayada ciidamada Soomaaliya. Milkiilaha hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho, xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur, oo weerar lagu qaaday hoteelkiisa bishii August ee sanadkii hore, ayna ku dhinteen 15 qof, ayaa walaac weyn ka muujiyay in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya. ""Aad ayay inoo dhibeysaa,"" ayuu yiri milkiilaha hoteelka. ""Weli waan u baahannahay Ameerikaanka, gaar ahaan dhanka ammaanka."" Ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya waxay wadashaqeyn la lahaayeen kuwa AMISOM ee ka socda Midowga Afrika ee ah nabad ilaaliyeyaal Soomaaliya ku sugan, oo dalka ku jooga qaraarka ogolaanshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Bishii Abriil ee sannadkii la soo dhaafay ayuu madaxweyne Donald Trump saxiixay wareegto uu ku kordhinayay xilliga howlgalka gaarka ah ee ciidamada Mareykanka u joogayaan Soomaaliya, isagoo ku daray hal sano oo kale. Hase yeeshee, iyadoo laga yaabo in muddo kordhintaas ay ahayd tii ugu dambeysay, haddana saraakiisha difaaca ee Mareykanka waxay sheegeen in howlgalka Soomaaliya uu qaadan karo sannado kale. In ka badan saddex sano ayey koox Mareykan ah oo howlgal khaas ah loogu talagalay ku suganaayeen Soomaaliya. Shaqada ugu badan ee ay hayaan waa in ay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan arrimo ay ka mid yihiin: Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa asaasay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaanno Danab, kuwaasi oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 3,000 oo askari. Waxyaabaha kale ee ay militeriga Mareykanka ka sameeyaan Soomaaliya waxaa ka mid ah duqeymaha loo adeegsado diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsado saldhigyada iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee dalka. Faragelinta militeriga Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo billaabatay sannadkii 2007-dii, markaas oo duqeymo ay fulisay diyaaradda nooceedu yahay AC-130 lagu dilay dad ay rayid ka mid yihiin. Sannadkii 2019-kii, ayey ciidamada Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen duqeymihii ugu badnaa abid, oo gaarayay ilaa 60 weerar oo xagga cirka ah. Weerarradaas oo la kala fuliyay bilihii January, February, March, April, July, August, October, November iyo December, ayaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsan xubnaha Al-Shabaab iyo dad shacab ahba. Maraykanka wuxuu si ku meel gaar ah ""u xadiday"" duqeymaha diyaaradihiisa uusan duuliyaha saarnayn ee Drones-ka ay ka fuliyaan dalalka ka baxsan Afghanistan, Suuriya iyo Ciraaq, sida uu qoray wargeyska Washington Post. Ujeedada go'aankaas ayaa lagu sheegay in looga gol leeyahay dib u eegis lagu sameeyo madax bannaanida la siiyay militariga iyo sirdoonka Maraykanka ee ku hawlan la dagaallanka argagixisada. Sidaas darteed ku dhowaad shan bilood ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay ee Mareykanku uu wax duqeymo ah ka fuliyay Soomaaliya. Xukuumadda Washington ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay, duqeymaha drones-ka u adeegsaneysay bartilmaameedsiga mintidiinta, gaar ahaan Al-Qaacida iyo ururka la baxay dowladda Islaamka." https://www.bbc.com/somali/war-57507979 +sports Harry Maguire: difaaca cusub ee Manchester United ma u qalmaa £80m? "5 sano kahor, Harry Maguire waxa uu ka ciyaari jiray tartanka heerka saddexaad ee kubadda cagta Ingiriiska ee loo yaqaanno League One. Tartankaas waxaa ka sarreeya Championship-ka iyo Premier League. Laakiin hadda wuxuu noqday difaaca ugu qaalisan adduunka. Kooxda Manchester United ayaa iminka dhammeystirtay heshiis ay 80 malyan oo gini ugu soo iibsatay laacibkan 26 jirka ah ee u dhashay England. Maguire oo lagala soo wareegay kooxda Leicester City ee isla horyaalka Ingiriiska, waxa uu ka ciyaaraa difaaca dhexe ee dambe. Farriin uu ugu mahadcelinayay kuna macsalaameynayay kooxdiisa hore ayuu maanta soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Hase yeeshee su'aal ay dad badan oo ka faallooda arrimaha ciyaaraha kubadda cagta isweydiinayaan ayaa ah: Miyuu u qalmaa qiimaha 80-ka malyan ee gini ah. 'Arday mar walba jeclaan jiray inuu heer sare gaaro' Bal ka fikir ciyaartoyda ugu wanaagsan ee kubadda cagta adduunka. Waxaad tusaale ahaan u soo qaadan kartaa laacibiinta caanka ku ah inay si fiican u camiraan boosaskooda garoonka. Dhinaca weerarka, waxaa qof walba maskaxdiisa kusoo dhacaya Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, halka xirfadda khadka dhexena si weyn loogu ammaano laacibka reer Belgium ee lagu magacaabo Kevin de Bruyne. Balse Maguire, hadda ma aha difaaca ugu fiican adduunka. Kooxo badan ayaa horay u diiday inay iibsadaan sababo la xiriira inuusan orod fiican lahayn. Huddersfield oo xilli ciyaareedkan dib ugu laabatay heerka labaad ee tartamada ciyaaraha kubadda cagta Ingiriiska ayaa goor sii horreysay ka noqotay heshiis ay dooneysay inay kula soo wareegto ciyaartoygan. Kooxdan ayaa markaas damacsaneyd inay ku iibsato lacag dhan 1 milyan oo gini, laakiin waxay uga tanaasushay maadaama la sheegay inuu aad u orod gaaban yahay. Hase yeeshee, Maguire ayaa cilladaas wax badan ka baddalay sannadihii ugu dambeeyay. ""Waa ciyaartoy aad u fahmad badan oo si dhakhso ah xirfado cusub ku barta"", sidaas waxaa BBC Sports ku yiri tababarihii hore ee kooxda Sheffield United Micky Adams, kaasoo Maguire siiyay fursaddiisii ugu horreysay ee ciyaaraha waaweyn sanadkii 2011-kii, xilligaas oo uu ciyaartoygan ka tirsanaa kooxdaas lagu naaneyso ""The Blades"". ""Markii hore aad bay xirfaddiisu u hooseysay, wuxuuna rabay inuu wax barto. Waa arday jecel ciyaarta wuxuuna macluumaadka u qaataa si dhakhso ah, gaar ahaan marka ay khuseeyaan dhinaca tababarka"", ayuu yiri macallin Adams. Dhanka kale, Maguire ayaa aad loogu ammaanaa inuu yahay ciyaaryahan kalsooni buuxda qaba marka uu garoonka ku jiro. Waxaa taas marqaati ka ah agaasimihii hore ee akadeemiyadda kooxda Sheffield United Travis Binnion, kaasoo ciyaartoygan lasoo shaqeynayay tan iyo markii uu 16 sano jir ahaa. ""Wuxuu rabi jiray inuu mar walba ugu fiicnaado tababarka, wuxuuna jeclaan jiray inuu sii wato xitaa marka uu waqtiga dhammaado"". Intii uu ka tirsanaa kooxda da' yarta ah ee Sheffield United, Maguire waxay mar iska hor imaadeen ciyaartoyga ay hadda isku kooxda noqonayaan ee lagu magacaabo Paul Pogba. Pogba ayaa markaas u ciyaarayay da' yarta kooxda Manchester United. Labada ciyaartoy ayaa isku wajahay ciyaartii Fiinaalka ee ""2011 FA Youth Cup"". Inkastoo kulankaas looga adkaaday Sheffield United, Maguire wuxuu si adag ula dagaallamay koox ay xitaa ku jireen Jesse Lingard iyo Ravel Morrison. Warar ayaa sheegaya in tababarihii hore ee kooxda Manchester United, Sir Alex Ferguson, oo ciyaartaas daawanayay, uu kulanka kadib u yeeray Maguire, isagoo u sheegay inuu leeyahay dhammaan xirfadaha u horseedi kara inuu heerka ugu sarreeya gaaro. Su'aasha ku saabsan inuu u qalmo lacagta lagu soo iibsaday hadda, wali sideeda ayey u taagan tahay, qof walbana wuxuu ka dhiibanayaa fikirkiisa gaarka ah. Laakiin waxaa hubaal ah in Maguire uu wajahayo caqabad weyn oo ah inuu kasoo baxo booskiisa uuna muujiyo inuu u qalmo lacagtaas faraha badan, maadaama si weyn isha loogu heyn doono hab ciyaareedkiisa." https://www.bbc.com/somali/war-49239645 +business Nin malaayiin ka sameeyay dhagxaan uu dadka uga dhigay nooleyaal "Ninka lagu magacaabo Gary Dahl ayaa malaayiin doollar ka sameeyay dhagxaan uu dadka uga dhigay nooleyaal ay rabaayadaysan karaan, kuwaas oo aanan wax dhibaato ah ku haynin. ""Cunto uma baahna, kama walwalaysid,"" ayuu ku qoray waraaqaha xayaysiinta dhagxaanta oo uu kasoo daabulay xeebaha dalka Mexico. Halkii dhagax wuxuu dadka ka iibinayay $3.95 (oo maanta u dhiganta $15 ), waxaana laga iibsaday illaa 5 milyan oo dhagxaantaas ah. Wuxuu ku ridey baakado, wuxuuna ku qorey ""waxa ay aad ugu wanaagsanyihiin in la tabobaro, waxay iska dhigi karaan in ay dhinteen oo kale, waxay jecelyihiin in ay safraan iyaga oo ku jira jeebabkaaga"". Waraysi ninkan lala yeeshay sannadkii 1975-tii ayuu ku sheegay in dadka ay yihiin kuwa wada caajisay, daalay, lana tacaalaya dhibaatooyiin badan, sidaas darteedna ay aaminayaan waxkasta. Dadka aad ayay uga dhaadhacday fikradda ah in dhagxaanta ay noqon karaan nooleyaal rabbaayad ah oo wax barta, wehelna noqon kara. Sida uu qorey wargeyska New York Times, lacagta waxay ninkan u saamaxday in uu iibsado gaari Mercedes ah, islamarkaasna u dego guri aad u weyn. Mr Dahl ayaa isku dayay in uu billaabo fikrado la yaab leh oo uu doonayay in uu lacag ka sameeyo, balse uma aysan shaqaynin intooda badan. Waxaa ka mid ahayd fikrad la yaab leh oo ah, in uu dadka ku qanciyo in ciidda laga samayn karo taran, sida lab iyo dhedig. Ninkan wuxuu dhintay sannadkii 2015-kii isaga oo 78 jir ah, wuxuu shucuur kala duwan ka qabay waxyaabihii uu samayn jiray. Wuxuu muujiyay oo sheegay in noloshiisa ay ka wanaagsanayn lahayd haddii uusan samayn lahayn ganacsigaasi la yaabka leh. Wuxuuna u muuqday nin waxaas ka qoomameynayay." https://www.bbc.com/somali/war-49148291 +politics Qalalaasaha Gobolka Tigrayga: Ma ku guuleysan karaa Abiy Axmed adeegsiga awood Militari? "Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in caasimadda deegaanka Amxaarada ee Bahir daar iyo magaalada Gonder ee aan ka fogeyn xalay gantaallo lagu weeraray. Xafiiska ka warbixiya xaaladda degdegga ah ee lagu soo rogay deegaanka Tigraay oo hoos taga xafiiska ra'isal wasaaraha wuxuu sheegay gantaalladu iney waxyeello aan badneyn u geysteen gegida diyaaradaha ee ku yaalla labadaasi magaalo. Maamulka Abiy wuxuu xisbiga TPLF ee ka taliya gobolka Tigrayga ku eedeeyay in uu wado weerar ka dhan ah militariga dowladda. Ra'iisul Wasaare Abiy oo sannadkii la soo dhaafay ku guuleystay abaalmarinta nabadda aduunka ee Nobel peace prize-ka, ayaa hadda amaray howlgallo looga jawaabayo weerarkii dhimashada badnaa ee lagu qaaday ciidamada federaalka Itoobiya ee ka dhacay gobalka Tigrayga. Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha dalka Itoobiya ayaa aaminsan in dhowr waji ay leedahay suurtagalnimada ah in ra'iisul wasaare Abiy uu guul ka gaaro xaaladda gobalka iyo howlgallada uu amray ee looga jawaabo weerardii dhawaan lagu laayay ciidamo ka tirsan kuwa federaalka Itoobiya. Xirsi Cabdullqaadir Maxamed oo ka faallooda arrimaha Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in qalalaasaha gobalka Tigrayga aanu aheyn mid si degdeg ah guul looga gaari karo. ""Dagaalkaan ma ahan mid degdeg guul looga gaari karo, sababta keliya ee guul degdeg ah looga gaari karo waa haddii kacdoon shacab ah aanu ka dhex jirin Oromada dhexdeeda ama shucuubta kale ee qoomiyada isku leyneysa shacabka Tigrayga aanu la socon maamulkiisa, waxaana laga yaabaa in uu gaaro guul aan la ogeyn xiligey ku dhamaaneyso"", ayuu yiri Xirsi Cabdullqaadir Maxamed. Waxaa la saadaalinaya in shacabka gobalka Tigrayga ay raacsanyihiin maamulkooda, ayna la safanyihiin Xisbiga TPLF. Isku xirnaanka shacabka iyo dowladda TPLF ee gobolka Tigrayga ""waxay kala dhantaali kartaa qorshaha"" Abiy ee ah in tallaabooyin awood militari ah loo adgeesado gobalka, waxayna soo dedejin kartaa dagaal ciribtiisu noqon karto fashil ku yimaada arrimihii nabad-doonnimada Ra'iisul Wasaare Abiy ee sababtay in uu guddoomo abaalmarinta nabdda ee caalamiga ah. ""Waxey u badantahay in shacabka Tigrayga ay la socdaan xisbiga TPLF iyo maamulkooda, dagaalkaasna wuu daba dheeraan doono taasina waxay horseedi doontaa dagaal sokeeyna in uu ka dhaco,"" ayuu Xirsi oo BBC Somali la hadlay. Khalalaasahaan ka taagan gobalka Tigrayga ee dalka Itoobiya oo muddooyinkaanba taagna, ayaa si aad ah u soo ifbaxay markii maamulku gobalkaas uu qabsaday doorasho xilli uu jiray go'aan horey uga soo baxay dowladda dhexe oo ku aadanaa in sannadkan aan dalka doorasha ka qabsoomi karin, sababo la xiriira fayraska faafa ee karona. Dowladda dhexe ayaa ku eedeeysay xisbiga TPLF ee ka taliyo gobolka Tigrayga in uu wado tallaabooyinka ka dhan ah ciidamada militariga ee fariisimaha ku leh gobalkaas. Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay Abiy, wuxuu ku sheegay in lagu guuleystay howlgalka militari ee lagu qaaday gobolka Tigrayga, isla markaana uu sii socon doono howlgalkaas. Warka uu soo saaray Rai'sul wasaare Abiy Axmed wuxuu sheegay: ""in khadka cas laga tallaabay, islamarkana si dadka iyo dalka loo badbaadiyo uu khiyaarka ugu dambeeyo noqday in awood loo adeeegsado TPLF"". Inkastoo oo muddaba la saadaalinayay in dowladdu aaney adeegsan doonin awood militari haddana maalmihii la soo dhaafay wararka ay labada dhinac isku marinayeen hawada ayaa laga dheehan karay in dagaal dhici karo, iyadoo ugu dambeyn la sheegayo in xoogaga TPLF ay bilaabeen dagaalka oo ay weeraren xarun ciidan oo ku taalla gobalkaas. Xisbiga TPLF wuxuu ahaa midkii ugu awoodda badnaa Itoo biya ilaa sannadkii 2018-kii, markaas oo Abiy uu la wareegay xafiiska ka dib mudaharaadyadii wadanka oo dhan ka dhacay oo qowmiyada Oromada ay hormuudka ka ahayd. Waxaa muuqatay in tan iyo waagaas awoodii xisbiga ay yaraatay. Xisbigan TPLF oo ahaa jabhaddii uu hoggaaminayay Meles Zanawi ayaa hoggaanka dalkaas Itoobiya qabatay sannadkii 1991-dii. Markii Meles uu dhintay, sannadkii 2012-kii, waxaa billaabatay in awoodda TPLF ay sii yaraato. Dalalka illaa iyo hadda ku baaqay dejinta xiisadda? Arbacadii, xilli ay socotay codeynta doorashada Mareykanka, Xoghayaha Arimaha dibada ee Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa soo saaray bayaan uu ku baaqayo in la joojiyo qalalaasaha. ""Waxaan ka xunnahay dhimashada naxdinta leh ee dadka, waxaanna ku boorineynaa in si degdeg ah wax looga qabto soo celinta nabadda iyo in xiisadda la dejiyo - Ilaalinta nabadgelyada rayidka iyo amniga waa muhiim,"" ayuu ku yiri hadal uu soo saaray. Dowladda Ingiriiska ayaa iyaduna ku baaqday in la joojiyo xiisadda iyo in la ilaaliyo amniga dadka rayadka ah. Guddiga fulinta ee deegaanka ismaamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa bishii September sheegay in go'aan kasta oo golaha Federeeshiinka ka soo baxa oo lagu joojinayo doorasha ka dhacda deegaankaasi uu ula mid yahay dagaal la iclaamiyey oo lagu soo qaadayo deegaanka Tigreega. ""Shacabka Tigreega waxay xaq u leeyihiin iney doortaan ciddii hoggaamin lahayd, halka la rabay in lagu dhiirrigeliyo in la carqaladeeyo doorashadooda waa mid lid ku ah geeddi socodka dimuqraadiyadda"" ayaa war-murtiyeedka lagu yiri. Hase yeeshee golaha ayaa go'aamiyay in dowladda ay maamulka sii heyso muddo aan la cayimin, iyagoo amar ku bixiyay in doorashada dib loo dhigo sababo la xiriira fayraska corona. Arrintaas ayaa horseedday xiisad weyn oo ka dhex billaabatay xukuumadda uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed iyo siyaasiyiinta gobolka Tigray. Gobolka Tirgay ayaa looga dhawaaqay in doorashadiisa aan dib looga dhigi doonin waqtigii sharciga ahaa, taasoo horseedday ismariwaa baaxad leh. Waxay siyaasiyiinta gobolkaas sheegeen in Golaha Federeeshiinka ee degaanka Tigreega uu si ka duwan deegaannada kale uu u qabsanayo doorashadiisa. Maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanayay Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba. Doorahsda guud ee Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen in doorashada dib loo dhigo 9 bilood ilaa sanad. Xiisadda taaga waxay sare u qaadday cabsida laga qabo in xisbiga Tigray-ga ee TPLF uu tallaabo u qaadi karo sameynta maamul u gaar ah oo ka madax bannaan federaalka Itoobiya. Siyaasiyiinta TPLF waxay mar walba ku celceliyaan inay diyaar u yihiin sidii uu gobolkaas - oo xad la wadaaga Eretariya - uu uga sii mid ahaan lahaa Itoobiya. Laakiin waxay hoosta ka xariiqeen in ay difaacan doonaan waxa ay ugu yeereen ""ismaamulka iyaga u gaarka ah"". Waxay Dr Abiy Axmed ku eedeeyeen inuu isku dayayo sidii uu ""ku sameysan lahaa dowlad sal adag"". ""Waligeen ma taageeri doonno qof walba oo ujeeddadiisu tahay inuu kala dhantaalo xaqa aan dadaalka dheer usoo galnay ee ah inaan ""ismaamulno"" iyo inaan ""go'aan gaar noo ah lahaanno,"" ayuu yidhi hoggaamiyaha gobolkaas, Debretsion Gebremichael, oo hadlay bishii August." https://www.bbc.com/somali/war-54826844 +politics Murashaxii looga guuleystay doorashada Madaxweynaha Kenya oo ku dhawaaqay go’aan cusub "Hoggaamiyaha Isbahaysiga Azimio la Umoja–One Kenya, Raila Odinga ayaa maanta ku dhawaaqay in uusan aqoonsaneyn dowladda uu madaxweynaha ka yahay William Ruto oo ah ninka uga guuleystay doorashadii madaxweynaha ee Kenya ka dhacday bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay. Odinga oo kulan isu soo bax ah ku qabtay degmada Kamkunji oo ay ka tirsan tahay ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ayaa arrintan u sababeeyay wax uu ugu yeeray ""natiijo sharci darro ah"" oo kasoo baxday doorashadii sanadkii hore. Dadkii isugu yimid garoonka Kamkunji ayuu u sheegay in isbahaysigiisu ay dowladda hadda jirta u arkaan mid aan sharci ku dhisneyn. “Ugu horreyn, annagoo ah Azimio waxaan qaadacdnay natiijada doorashadii 2022. Ma aqoonsan karno mana aqoonsan doonno dowladda Isbahaysiga Kenya Kwanza,” ayuu yiri Mr Odinga. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: ""Uma aqoonsanin Mr William Ruto in uu yahay madaxweynaha Kenya mana aqoonsanin dhammaan saraakiisha kale ee xafiiska la joogta."" Mr Odinga ayaa sheegay in isbahaysigiisu ay dalbanayaan in lasoo bandhigo dhammaan xogihii aasaasiga ahaa ee doorashadii 2022 ay ka sameeyeen guddiga doorashada ee IEBC markaas ka dibna uu guddi kale oo dhexdhexaad ah dib u eego. ""Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah loo joojiyo isku day walba oo uu Mr Ruto keligiis dastuurka ugu sharciyeynayo guddiga IEBC taas baddalkeedana shacabka Kenya loo fasaxo in ay wadatashi ka sameeyaan dastuureynta guddiga doorashada,"" ayuu yiri Raila Odinga. Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa sheegay in isbahaysigiisu uu dalbanayo in dowladda hadda jirka ""ay is casisho maadaama aysan lahayn awood ay dalka ku maamusho"". Mr Odinga waxaa isu soo baxan ku wehlinayay siyaasiyiin kale oo ay ka mid yihiin Martha Karua, Kalonzo Musyoka, Eugene Wamalwa, Wycliffe Oparanya iyo murashaxii hore ee xilka madaxweynaha George Wajackoyah. Hadalka kasoo baxay Raila Odinga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee xisbigiisa ayaa yimid dhowr bilood ka dib markii ay maxkamadda ugu sarreysa Kenya soo afjartay muran ka dhashay natiijadii doorashada, iyadoo waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeymaha ku saabsanaa in wax isdaba marin lagu sameeyay doorashada. Raila Odinga waa musharaxii ugu nasiibka xumaa ee soo mara dalka Kenya. Shan jeer ayuu u tartamay xilka Madaxweynaha, mar walbana waa laga adkaanayay, isaga oo mar walbana sheegayeyay in doorashada la musuqmaasuqay. Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa laashay guushii uu Uhuru Kenyata ka gaaray doorashadi 2017-kii, waxayna amar ku bixisay in doorashada mar kale la qabto. Odinga ayaa markaa qaaddacay ka qayb galka doorashada ku celiska ahayd isaga oo sheegay inuusan jirin nidaam sahlaya in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah. Doorashadii taas ka horreysay ee dhacday 2013-kii ayuu sidoo kale kula tartamay Uhuru Kenyatta isagoo markii natiijada lagu dhawaaqayna ku tilmaamay mid sharci darro ah. 2007-dii ayuu Mr Odinga qaaddacay natiijadii doorashadii uu kula tartamay madaxweynihii hore ee Kenya Muwai Kibaki, muran ka dhacay doorashadaas ayaana sababay rabshado ay ku dhinteen in ka badan kun qof. Markii ugu horraysay ee uu madaxweynenimo isku dayay waxay ahayd 1997-kii, markaas oo uu galay kaalinta saddexaad. Doorashadii xigtay ee dhacday 2002-dii kama uusan qeyb gelin Odinga. Raila waxaa dhalay madaxweyne ku xigeenkii koobaad ee dalka Kenya, Jaramogi Oginga Odinga. Da'diisu waa 77, waxa uuna 7-dii bishii January, 1945 ku dhashay magaalada Maseno ee galbeedka Kenya. Taageereyaashiisu waxay ku naanaysaan Agwambo iyo PAPA. Wuxuu wax ku soo bartay Barigii-Jermalka ee hore. In ka badan 20 sano ayuu xildhibaan ka ahaa xaafadda isku raranta ah ee ugu wayn Afrika ee Kibera. Dadka ugu badan ee taageera waa qawmiyaddiisa Luo oo degta gobolka Nyanza ee dhaca koonfurta-galbeed ee dalka, halkaas oo ah meeshii uu ku dhashay iskuulkana ka dhigtay." https://www.bbc.com/somali/articles/cn06n5lzw52o +politics Arrinta Mo Farah oo waji cusub yeelatay iyo booliska oo baaritaan billaabay "Waxaa xalay UK laga sii daayay muuqaal dukumintari ah oo laga sameeyay orodyahanka Mo Farah oo sheegay in si sharci darro ah lagu geeyay Britain. Dukumintariga oo lagu magacaabo ""The Real Mo Farah"" ayuu horyaalka ciyaaraha Olympic-da ku sharraxay qaabkii ay noloshiisa ahayd markii uu tagay UK oo uu sheegay in shaqaale guri laga dhigtay. Booliska oo markii hore sheegay in ay ""qiimaynayaan"" xaaladda ayaa hadda sheegay in ay baaritaan billaabayaan. Taliska oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in la baarayo sheegashada Mo Farah ee ku saabsan in qaab tahriibin ah lagu geliyay UK iyo in guri lagu addoonsaday. Orodyahanka afarta jeer ku guulaystay horyaalka Olympic-da ayaa hadal-haynta warbaahinta qabsaday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay kaddib markii uu sheegay in magaciisa dhabta ah uusan ahayn Mo Farah. Muuqaalka xalay lasii daayay oo ay horay qaybo ka mid ah u aragtay laanta wararka ee BBC-da ayuu Mo Farah ku sheegay in isagoo sagaal jir ah la geeyay UK, magaciisa saxda ahna uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin. Saraakiisha booliska ayaa xaqiijiyay in ay koox khubaro ah oo booliska ka tirsan fureen baaritaan. Bayaanka kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay inay ""la socdaan wararka ku saabsan Sir Mo Farah ee ay hadal hayaan warbaahinta"". ""Ma jiraan warbixinno lasoo gaarsiiyay booliska xilligan. Saraakiil khubaro ah ayaa furay baaritaan, waxayna hadda u kuur galayaan macluumaadka la heli karo,"" ayaa lagu yiri bayaanka. Dhanka kale, lamaanaha lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah Mo Farah ku geeyeen UK, iyagoo adeegsanaya magaca cunug kale, ayaa laga yaabaa inay wajahaan baaritaan uu ku sameeyo booliksa Scotland Yard. Warbaahinta qaar ayaa shaaciyay magaca haweeneyda lagu tilmaamay inay tahay qofkii Mo Farah gurigeeda ku haystay si uu carruurteeda ugu adeego. Marka uu Mo Farah sheegayay in guriga lagu adeegsan jiray waxa ay kooxda BBC-da ee dukumintariga duubaysay la xiriireen haweeneyda, balse diyaar uma aysan ahayn inay hadasho. Nin uu Mo Farah horay ugu tilmaami jiray in uu yahay aabihiis oo sidoo kale ah la taliyihiisa dhinaca IT-ga ayuu hadda beeniyay inuu aabihiis yahay. Muuqaalkan ayuu shaaca uga qaaday in aabihiis oo beeraley ahaa lagu dilay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya." https://www.bbc.com/somali/articles/cpr9g5n9pnyo +technology Bohosha Madow: Xog laga helay god weyn oo hawada sare lagu arkay "Khubaro cirbixiyeenno ah ayaa soo bandhigay sawirkii ugu horreeyay ee abid laga soo qaado god madow oo lagu arkay hawada sare. Godkan oo lagu magacaabay ""Sagittarius A*"" ayaa afar milyan oo jeer ku labanlaabmaya cufka Qorraxda. Marka aad sawirka eegto waxaad argaysaa in qaybta dhexe ay madow tahay, halkaasoo ah meesha uu godku ku yaallo, waxaana ku wareegsan iftiinka ka imaanaya gaaska aadka u kulul ee uu sawirku qabtay. Cabir ahaan, godkan wareegsan waxa uu la eg yahay qiyaasta uu ku fadhiyo meeraha Mercury-ga ee ku hareereysan xiddigaha. Qiyaastaasi waa ilaa 60 milyan oo kiiloo mitir ama 40 milyan oo mayl oo isdhaaf ah. Nasiib wanaag waxan cabsida leh aad iyo aad ayuu u fog yahay - waxa uuna jiraa 26,000 oo sanadilays (meel uu iftiinku u safri karo 26,000 oo sano) - sidaas awgeedna suurtagal ma aha in uu khatar na geliyo, sida ay cirbixiyeennadu sheegeen. Sawirka laga soo qaaday waxaa shaaciyay koox caalami ah oo lagu magacaabo iskaashatada Event Horizon Telescope (EHT). Kani waa sawirkii labaad ee noocan ah oo ay soo bandhigaan kaddib markii ay sanadkii 2019-kii soo saareen sawir kale oo laga soo qaaday god madow oo ku dhex yaalla meere kale, kaasoo lagu magacaabo Messier 87, ama M87. Sheygaas waxa uu kun jeer ka waynaa kan hadda lasoo sawiray, waxaana uu 6.5 milyan ka weynaa cufka qorraxda. ""Balse sawirkan waa mid khaas ah, sababtoo ah kani waa godkeenna madow ee aadka u wayn,"" ayuu yidhi Barfasoor Prof Heino Falcke, oo ka mid ah khubarada reer Yurub ee gacanta ku haya mashruuca EHT. ""Kani waa mid 'dusheenna jooga', haddii aad doonayso inaan fahanto sida ay u shaqeeyaan godadka madow-na, kani waa midka kuu sheegi doona wax kasta, sababtoo ah waxaan ugu jeednaa si faahfaahsan,"" ayuu BBC-da ku yidhi seynisyahankan u dhashay waddanka Jarmalka, kana tirsan macallimiinta Jaamacadda Radboud Nijmegen. Godka madow ee lagu magacaabo Sagittarius A*, ama loo soo gaabiyo Sgr A*, waxa uu dhulka u jiraa 26,000 sano oo masaafaha iftiinka ah, waana shey yar oo ku dhex yaalla cirka. Si toos loogu arko wax noocaas ah waxaa loo baahan yahay qalab aad u tayo badan. Mashruuca EHT waxa uu adeegsaday xeelad lagu magacaabo bartilmaameedsiga aadka u fog (VLBI). Sawirka ayaa loo yaaqadaa si ballaadhan oo loo adeegsanayo qalabka waxyaabaha fog lagu arko ee loo yaqaanno ""telescope"". Habkan waxa uu mashruuca EHT u suurtagelinayaa in hal dhinac laga sawiro cirka kaddibna lasii kala shaandheeyo. Kooxda khubarada ah ee ka howl gasha EHT waxay sheegeen in sheygani uusan lahayn hab si sax ah loo tilmaami karo. Waa maxay godka madow? Haddii sawirkan cusub lala barbar dhigo kii hore ee M87, waxaa laga yaabaa inaad iswaydiiso waxa uu uga duwan yahay. Balse waxaa jira waxyaabo muhiim ah oo ay ku kala duwan yihiin. ""Maadaama Sagittarius A* uu yahay mid aad uga yar godka kale ee 2019-kii la arkay - waxa uu ka yar yahay qiyaastii kun jeer - muuqaalkiisa sida faraantiga u samaysan ayaa sidoo kale kun jeer ka deg deg badan waqti ahaan,"" ayuu ku yiri sharraxaad ayuu ka bixiyay Dr Ziri Younsi oo xubin ka ah kooxda seynisyahannada ah, barena ka ah xarunta waxbarasho ee University College London ee ku taalla waddanka UK." https://www.bbc.com/somali/war-61440129 +health Tallaalka Moderna oo la sheegay inuu wax ka tarayo noocyada cusub ee coronavirus Tallaalka Moderna ee Covid ayaa u muuqda inuu wax ka tarayo noocyada cusub ee aadka u faafa ee coronavirus, kuwaaso oo laga helay dalalka UK iyo Koofur Afrika, sida ay sheegeen saynisyahannada shirkad dawooyinka soo saarta oo Mareykanka laga leeyahay. Tijaabooyin sheybaar oo goor hore la sameeyay ayaa muujinaya in difaacayaasha jirka ay aqoonsan karaan lana dagaallami karaan noocyada cusub. Daraasado badan ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in tallaalku uu sidoo kale noocyada cusub ka difaaci karo dadka aan weli la tallaalin. Noocyada cusub ayaa si xowli ah ugu faafayay dalal dhowr ah. Fayrasyada cusub ayaa is beddelayay taas oo ka dhigan inay si fudud u weerari karaan unugyada bani'aamka, si ka ballaaran kii hore. Khubarrada ayaa aaminsan in laga yaabo in nooca cusub ee bishii September ka dillaacay UK, 70% la isku gudbin karo. Tallaallada cusub ayaa loo sameeyay inay jirka ka difaacaan noocyada cusub, balse saynisyahannada ayaa aaminsan inay weli ku howlan yihiin siyaabo looga hortago noocyada cusub. Waxaa jirta soo jeedin ah in tallaalka Pfizer uu ka hortagi karo nooca cusub ee UK. Daraasadda lagu sameeyay Moderna, ayay baarayaashu eegeen tijaabo dhiigga ah oo laga qaaday ilaa siddeed qof kuwaas oo la siiyay labo xirmo oo tallaalka Moderna ah. Natiijada ayaan weli soo bixin, balse waxay sheegeysaa in tallaalku uu aqoonsan karo noocyada cusub. Waxaase soo baxday in tallaalku uusan aad wax uga tareynin nooca cusub ee Koofur Afrika, marka loo eego kan UK. Prof Lawrence Young, oo khabiir dhanka fayraska ah kana tirsan Iskuulka Caafimaadka Warwick ee UK, ayaa sheegay inay arrintan walaac leedahay. Hay'adaha ansixiya tallaalka ee UK ayaa hore u meel mariyay qeybinta tallaalka Moderna, balse 17m oo xirmooyin hore loo sii dalbay ayaa la sheegay inaan la heli doonin ilaa Guga. Tallaalkan ayaa la mid ah kan Pfizer ee haatanba laga isticmaalo UK. In ka badan 6.3 milyan oo qof oo UK ku nool ayaa helay xirmadii ugu horerysay ee tallaalka Pfizer ama tan AstraZeneca. https://www.bbc.com/somali/war-55806714 +entertainment Maxaad ka taqaannaa gabdhaha ilaaliya xiddigaha filimada, sida Shahrukh Khan? "Mar kasta oo ay xiddigaha Bollywood-ka ka baxayaan guryahooda, xilliyada ay filimada soo duubayaan, filimada soo xayeysiinayaan, xafladaha tagayaan, munaasabadaha abaalmarinnada ka qeyb galayaan, ama xafladaha aroosyada aadayaan, waligood lama arkin iyagoo kaligood ah. Waxaa mar kasta la socda ilaalo. Ilaaladan waa khasab in ay xiddigaha filimada raacaan, sababtoo ah waxay jilayaashu leeyihiin taageerayaal badan oo mararka qaar aan la xakameyn karin marka ay meel ku arkaan. Sidaas darteed, ilaaladan ayey shaqadooda tahay inay xiddigahaas difaacaan marka ay shacabku ku xoomaan. Waayadii hore inta badan rag ayaa la siin jiray shaqada ilaalada jilayaasha, laakiin sannadihii dambe dumar badan ayaa shaqadan helayay. Si tartiib tartiib ah ayey u badaneysay tirada haweenka ilaalada u noqonaya jilayaasha filimada ee Hindiya, hase yeeshee fayraska corona iyo xayiraaddii dhaqdhaqaaqyada ee mudadada dheer jirtay ayaa sii xoojiyay baahida loo qabo in ilaalo ay la socdaan jilayaasha. Kahor inta uusan dillaacin cudurka safmarka ah, duubista filimada waxay u socon jirtay si aan kala joogsi lahayn. Filimada uma aysan baahnaan jirin in la xayeysiiyo ama magaalooyinka loo tago si dadka loo jecleysiiyo. Markaas ilaalada waxay shaqadooda ku ekeyd waqtiyada ay atooreyaasha ama atariishooyinku filimada ku jilayaan meelaha jidadka ah iyo goobaha dadka dhexdooda ah. Mas'uuliyaddoodu aad bay u yareyd, mar mar unbeyna dhici jireen xayeysiimaha loo sameeyo filimada ee jilayaashu ay shacabka ugu tagaan. Dumar faro badan ayaa hadda u xusul duubaya si ay ugu biiraan ilaalada xiddigaha Bollywood-ka, kuwo kalena wayba heystaan shaqadaas. Fahmida Ansari, oo 42 jir ah, waxay caan ku tahay inay ka mid tahay gabdhaha ilaalada u ah jilayaasha Bollywood-ka. Wareysi gaar ah oo ay siisay BBC-da laafteeda af Hindiga ayey ku tidhi: ""Raggu way helaan shaqo laakiin annagu badanaa ma awoodno inaan noqonno dumar ilaalo ah, waxaa nagu kallifaya nolosheenna oo adag iyo dhibaatooyinka aan la kulanno, walina way sii adkaanayaan xaaladaha ay dumarka wajahaan."" Fahmida Ansari waxay sheegtay in tan iyo markii ay da'deeda ahayd 17 jir ay soo ahayd hooyo iskaabulo ah. ""Seygeygii hore waligiis ima uusan weydiinin xaaladda gabadheenna ilaa mar dhow laga soo gaaray. Sidaas darteed waxaan go'aan ku gaaray in aanan waligeyn nin guursanin mar kale, oo gabdheyda aan kaligey iska korsado. Qof aan saaxiib nahay ayaa iisoo bandhigay shaqada ilaaliyenimada, waan ka aqbalay waxaana billaabay inaan waardiye u noqdo xiddigaha filimada,"" ayey tidhi. Waxay ilaalo ka ahayd filimada ay ka midka yihiin Zero, Super 30, Padmavat, Mardaani, Kalank, iyo xafladdii arooska ee atariishada Sonam Kapoor. Sidoo kale waxay mar walba ka dhex muuqataa ilaalada xayeysiimaha ay jilayaashu u sameeyaan filimadooda. Filimka lagu magacaabo Zero, waxaa jilayaashiisa ugu waaweyn ka mid ah Shahrukh Khan, Katrina Kaif iyo Anushka Sharma. Fahmida waxay ilaalo u ahayd xiddigahaas caanka ka ah Bollywood-ka Hindiya. Waayadii hore, shaqada noocan ah waxaa ugu badnaa ragga. Fahmida waxay sheegtay in markii ugu horreysay fursadaha shaqadan ay dumarka siisay shirkadda amniga ee uu leeyahay jilaaga lagu magacaabo Ronit Roy, kaddibna uu ku xigay Deepak Singh oo ay qaraabo yihiin Ron, kaasoo isagana dumar ka shaqaaleysiiyay shirkaddiisa amniga ka howlgasha ee Dom. Iyadoo arrintaas ka hadleysa ayey Fahmida tidhi: ""Way nagu kalsoonaayeen, waxayna na siiyeen fursado badan. Hadda iyaga laftooda shaqo nooma hayaan. Taas iyaga khalad kuma laha, sababtoo ah haddiiba aysan shirkadaha filimada dalbanin in amnigooda la sugo, iyaguna shaqo nooma heli karaan."" ""Xayiraaddii dhaqdhaqaaqyada kaddib, Sanjay Leela Bhansali oo kaliya ayaa na soo wacay oo aan u shaqeynay, cid kalena ma jirin. Waxay u muuqataa in corona uu annaga dhibaato gaar ah nagu yahay dumar ahaan. Arrintan waxay ku socotaa in aan baahi u dhimanno. Waxaa jira dumar ila mid ah oo maalin kasta waca shirkadaha amniga, oo weydiiya inay wax shaqo ah u hayaan wali."" Sida Fahmida oo kale, waxaa jirta Zarine Rafiq Sheikh oo iyaduna ilaalo u ahayd xiddigaha Bollywood-ka afartii sano ee lasoo dhaafay. Waxay tidhi: ""Filimada aan ilaalada ka ahaa waxaa ka mid ah Super-30, Zero, Chhapak, iyo Kalank, sidoo kalena waxaa ka soo shaqeeyay xaflado waaweyn."" Zarine oo ka hadleysay arrinta ku saabsan caqabadaha heysta dumarka ilaalada u ah jilayaasha ayaa tidhi: ""Aad bay u culus yihiin shaqooyinkan. Muddo dheer ayaa la taagnaadaa. Marka ay jilayaashu u baxayaan xayeysiinta filimadooda, waxaa ku soo xooma dadweyne badan, annaga shaqadeennuna waa inaan dadkaas ka ilaalinno."" ""Mararka qaar waa nala riixaa, mararka qaar dadka waan ku xanaaqnaa, kaddib dadka dib ayey noogu soo jeestaan wayna na aflagaaddeeyaan, laakiin waa inaan iska dulqaadanno. Dadka qaarkood wax bay ku tuuraan xiddigaha balse shaqadeenna waa inaan ka ilaalinno inay wax dhaawac ah kasoo gaaraan. Waxaa kale oo aan ka hor tagnaa in jilayaasha aan lagu khasbin inay dadka qaar sawirro la galaan."" Sunita Nikalje, oo iyaduna ilaalada jilayaasha Bollywood-ka ka mid ahayd muddo saddex sano ah, ayaa sheegtay inay jeceshahay shaqadaas. ""Qoyskeyga waxay ka kooban yihiin soddohdeey, labo carruur ah iyo seygeyga. Dhowr sano ka hor, shil uu seygeyga galay ayuu ku waayay shaqadiisii dhaawac madaxa kasoo gaaray awgiis, xilligaas wixii ka dambeeyayna mas'uuliyadda reerka aniga ayey dusha iga saarneyd."" ""Aniga iyo qoyskeygaba waan jecel nahay shaqadeyda sababtoo ah aad baa naloogu xushmeeyaa halkan. Qoyskeyga aad bay u farxaan marka ay qaraabada kale u sheegayaan inaan ilaaliyo xiddigaha filimada, lacagta nala siiyana way fiican tahay, jilayaasha ayaa si aad ah noo xushmeeya."" Shaqada amniga ka sokow, waxay haweenkan ilaalada ah sameeyaan howlo ay ka mid tahay in la dhowro xuquuqda filimada, sida ay sheegtay Sunita. ""Mar kasta oo duubista lagu sameynayo meel bannaan ah, dadku waxay na weydiiyaan in goobtaas filim lagu duubayo, annaguna been ayaan u sheegnaa oo waan ka qarinnaa filimka la duubayo magaciisa, sababtoo ah haddii aan u sheegno in uu Shahrukh Khan joogo meeshan, dadkaas maalintii oo dhan waxay u taagnaanayaan inay na dhibaan, sidaas awgeed mararka qaarkood waa inaad feejignaato."" ""Mararka qaar waa inaan si adag u shaqeyno marka filimada la jilayo, dadkana waa in aan tusno indho kulul sababtoo ah marka ay duubista filimka socoto qaar ka mid ah jilayaasha heerka hoose ah ayaa muuqaallo iyo sawirro ku qaada telefoonnanooda, sidaas darteed waa inaan baaritaan ku sameyno oo ka qaado telefoonnada. Maxaa yeelay haddii sawirradaas internet-ka la galiyo waxay ka dhigan tahay in aannaan shaqadeenna si wanaagsan u qabanin.""" https://www.bbc.com/somali/war-55188748 +business Waddo la'aanta suuqa oo sii hurisay Khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay suuqa weyn ee Hargeysa "Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa uu dabku ka kacay in dabka degdeg loo xakameyn waayo waxaa qayb weyn ka qaatay waddooyinka ciriiriga ee suuqaasi, sida ay ganacsatada qaarkood BBC u sheegeen. Qaar ka mid ah ganacsatada hantidooda ku gubatay dabka suuqa ka kacay waxay sheegeen suuqa markiisi horaba inuusan lahayn waddooyin ku filan oo ay gaadiidka dabdamisku si waafi ah u mari karaan. Waddooyinka qaarkoodna ay xireen ganacsatada yaryarka oo hareeraha waddada ku ganacsada. Dhinaca kalana Suuqa Waaheen oo ahaa kan ugu weyn magaalada Hargeysa ayaan lahayn nidaam dab damis oo u sahlaya in dabka suuqa ka kaca si fudud loo damiyo. Dukaannada iyo Bakhaarrada suuqaasi ka jiray intooda badan waxay ahaayeen kuwa dhinaca isku hayo oo marin ku filan aan laheen dadkuna ay u hoggaansamin digniinaha la xiriira waxyaabaha dabka baajin kara. Ganacsatada qaarkood waxay BBc u sheegeen suuqa inuu ahaa mid ciriiri ah oo meel laga galo iyo meel laga baxa aan laheen maayarkana magaaladana uu ganasacatada u taag waayey . ""Soomaalida waxay tirahdaa balaayana ma sama, wax aragna ma xuma caawa wax la ogaaday, waayo dadka ayaa la kari waayey oo dhag jalaq u siin waayey digniinta had iyo jeer uu maayarka u soo jeedinayey"" ayuu yiri Baasha Bushaara oo ah ganacsade uu dabkaasi ay uga gubatay 10 meheradood. Dabkii ka kacay suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen ayaa geystay qasaara baahsan inkasta oo qasaarahaasi si rasmi ah aan weli loo qiimeyn haddana baaxadda qasaaraha waxaa marag u ah muuqaalka argagaxa leh ee suuqa gubtay ka muuqda. Suuqan oo bedka uu ku fadhiyo lagu qiyaaso ilaa shan kiiloomitir oo laba jibbaaran ayaa waxaa gabi ahaanba baab'iyey dabki ka kacay oo socday 20 saacadood waxaa ku gubatay 'hanti malaayiin doolar ah.' Ciidamada dabdamiska, qaybaha kala duwan ee ciidamada iyo gurmad ka yimid dhinaca Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa daminta dabka ka wada qayb qaatay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannanida uga dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo goobta uu dabka ka kacay soo indha indheeyey wuxuu ku dhawaaqay in guddi arrintan loo saaray isaga oo shaaciyey hal malyan oo doolar oo ay guddigaasi ku sii howl galayaan. ""Guddi baa la magacaabay waxay galayaan gurmad xukumaddu waxay guddiga u soo deyneysaa hal malyan oo doolar oo ay guddidu ku howl gasho. Waxaanna aad iyo aad ugu mahadnaqayaa dhammaan dowladaha aan jaarka nahay oo isugu jira mid soo hadlay iyo mid soo gurmaday sida ay dhammaantood nooga soo tacsiyeeyeen madaxweynayaashaasi aad iyo aad baan ugu mahad naqeynaa. Waxaanna si gaar ah uga mahadnaqeynaa Killilka Shanaad oo waxay hayeen gaadiid dabdamis iyo xoog xalay soo diray oo daminta dabka nagala qayb qaatay,"" ayuu yiri madaxweyne Muusa Biixi. Dabka suuqaasi ka kacay waxaa la sheegay iney ku dhaawacmeen 28 qof oo 9 ka mid dadkaasi ay soo gaareen dhaawacyo culus isbitaalladana lagu dabiibayo balse wax dhimasha ah ay jirin. ""Halkan waxaan ku lahaa seddex mehereddood … hantida taallay marka la eego waxaa iiga burburay ilaa 70,000 oo doolar wey isku gaareysay. Suuqa waxaan ka baxay 8-ddii meelahaa 20 mirir anoon ka sii maqneen ayaa la igu yiri suuqi wuu gubanayaa waxaanna u imid isaga oo meheradahayga soo gaaray dabkina waa la qaban waayey,"" Cabdiraxmaan Ibraahim. Masiibada dabka inkasta oo ay tahay mid xagga Alle ka timi haddana waxay aaminsan yihiin iney wadda la'aanta suuqa ka jirtay ay dhibaatadu sii hurisay. ""Markaa waxaa weeye waa aafo qaran waddooyinkaa xiranoo aanu dabdamiska soo mareyn kow bey ka ahaayeen dee wax uu ilaahey ugu talo glayna wey ahaayeen"" ayuu yiri Cabduraxmaan Ibraahim oo ka mid ah ganacsatada ay hantida ka gubatay. ""Waxaan degganahay suuqa Waaheen Bacdlaha Hargeysa, muddo 20 sanadod ayaan degenaa 10 mehradood ayaa iiga gubtay, aniga mehradaheydu waxay ahaayeen qurxinta guryaha wixii oo dhan wey gubteen"" ayuu yiri Baasho Bushaaro oo kamid ah ganacsatdii hantida uga gubtay dabka. Khasaaraha dabka ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa waxaa la rumeysan yahay iney hanti badan ku baaba'day iyada oo Khasaaraha lagu qayaasay malaayiin doolar. Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku dhawaaqay guddi isugu jiro ganacsato iyo culimaa'udiin, qaar ka mid ah guddidaas oo goobta iyaguna gaadhay ayaa BBC u warramay waxaana ka mid ah Cabdikariin Maxamed Iid, maareeyaha guud ee shirkadda Telesom wuxuuna ka warramay dareenkooda iyo sida ay doonayaan in guddidoodu u gudo gasho hawsha hortaal. ""Doorka ganacsatdu waxaa weeye in qiimeyn iyo tirakoob rasmi ah lagu sameeyo hantida Meesha ku burburtay sidi awoodnaq dadkaasi looga raadin lahaa in laga shaqeeyo ayey noqoneysaa tan aan ahmiyada koobaad siineyno guddi ahanna aan ka shaqeyneyno ay tahay"" ayuu yiri. Waxayna ganacsatadu sheegeen dhaqanka Soomaaliga iyo kan Islaannimadaba iney dhigayaan marka walaalkaa wax soo gaaraan inaad tiiraanyada la qaybsatid wixi aad ka caawin kartidna aad ka caawisid ayna rajeynayaan inta karaankooda ah iney bixiyaan walow ay duruurfaba iska jiraan. Xubno ka socdo dowladda Federaalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda Axmed Shide oo gaadhay magaalada Hargeysa waxay soo indhaindheeyeen goobta uu dabku ka kacay. Madaxda caalamka ee dabkaasi ka tacsiyeysay Qaar ka mid ah madaxda caalamka ayaa Somaliland uga tacsiyeysay dabka Khasaaraha ba'an geystay ee ka kacay magaalaa Hargeysa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madax Bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo waxay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa. Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la wadaagay tiiraanyada ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargeysa, isagoo sheegay dowladda Federaalka iney ka go'an tahay inay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan. Ra'isal wasaaraha Britain Boris Johnson wuxuu sheegay Khasaaraha dabkaasi ka dhashay inuu aad uga xun yahay dowladdiisuna ay sameyneyso wax kasta oo ay ku taageereyso dadaalka Somaliland dib loogu dhisayo. ""Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka Hargeysa ka kacay ee burburka intaa le'eg ka dhacay suuqa furan oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan oo yar yar iyo qoysaskooda. Magaaladiinu way kobci doontaa, Ingiriiskuna waxa uu ku dadaali doonaa sidii aanu Somaliland ugu taageeri lahayn dadaalka dib-u-dhiska"" ayuu yiri Raiisul wasaaraha UK Boris Johnson. Ra'isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay inuu aad uga naxay Khasaaraha dabka uu u geystay ganacsatada suuqa weyn ee Hargeysa shacabka Somaliland uu murugada la qaybsanayo. ""Waxaan aad uga naxay, kana tiiraanyooday dabka ka kacay Suuq-weynaha badhtamaha Hargeysa, kaas oo khasaare ballaadhan u geystay hantidii Shacabka. Hadda lama qiyaasi karo Khasaarahaas. Waxaannu Shacabka Somaliland La qaybsanaynaa murugada dhibkaas ku yimid. Waxaannu u sheegaynaa inaannu garab taagannahay Waqtigan aad ka u adag. Waxaanu Eebbe ka rajaynaynaa inuu Khasaarahaas dheef ugu beddelo xilligan aannu ku jirno Bisha barakaysan ee Ramadaan. Eebbe ayaa inna leh, xaggiisana weynu ku-noqonayaa,"" ayuu yiri Ra'isu wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geellee oo ka tacsiyeeyey dabka khasaaraha geystay ee ka kacay suuqa waheen ee magaalada Hargeisa wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay Khasaaraha ganacsatada soo gaaray murugadana uu la qaybsanayo ganacsatada dabkaasi ku hanti beeshay. Dabka 8-ddi fiidnimo ee xalay ka kacay suuqa Waaheen ee magaalad Hageysaoo itiisa badan la damiyey haddana weli waxaa la sheegayaa inuu dabku meelaha qaar ka socdo balse lagu guuleystay in la xakameeyo fafitankiisa." https://www.bbc.com/somali/war-60967290 +sports Xarigga Ronaldinho iyo walaalkii oo weji cusub yeeshay "Laacibkii u dheeli jiray xulka qaranka Brazil, Ronaldinho, waxaa laga siidaayay xabsiga, waxaana la geliyay xabsi guri. Wuxuu weli u xiran yahay dowladda Paraguay. Laacibkan oo sannadkii 2005 ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or wuxuu waqti ku qaatay xabsi, waxaana la xiran walaalkiisa. Labadoodaba waxaa la xiray 6 March, waxayna ku eedeysan yihiin isticmaalka baasaboorro been abuur ah. Labadan walaalaha ah waxaa horey loogu diiday in racfaan lagu sii daayo balse waxaa laga qaaday $800,000 mid kasta, ayna ku sugnaadaan hoteel ku yaalla Asuncion muddada ay socoto dacwadooda. Labaduba, Ronaldinho, oo 40 sano jir ah, iyo walaalkii Roberto Assis way beeniyeen in ay qalad sameeyeen. Qareenkooda wuxuu xarigga ku tilmaamay ""xadgudub aan kala soon lahayn iyo sharci darro."" Garsooraha u ogolaaday in xabsiga laga saaro oo hoteelka lagu hayo, Gustavo Amarilla, wuxuu sheegay in qiimaha lacagta ay bixiyeen ""ay tahay mid badan"" taas oo ""xaqiijineysa in aysan baxsan"". Ronaldinho wuxuu horey u booqday waddanka Paraguay isagoo xayeysiin u sameynayay book iyo olole wax loogu qabanayo carruurta dhibaatooyiinka qaarka ah qaba ee la yaso. Lacibkan oo Sannadkii 2002 xulkiisa kula guuleystay Koobka Adduunka, wuxuu horey ugu ciyaaray kooxaha Paris St-Germain, Barcelona iyo AC Milan. Wuxuu ciyaaraha ka fariistay sannadkii 2015-kii. Ronaldhinho markii uu ku guuleystay Tartankii Koobka Adduunka ee 2002, wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Fifpro World Player ee 2005 iyo 2006." https://www.bbc.com/somali/war-52226843 +health Cudurka Korona: Nin Caddaan ah oo Afka Soomaaliga ku hadla oo sameeyay bar wacyigelin ah Karsten Potts waa nin u dhashay dalka Maraykanka oo Afka Soomaaliga ku hadla , isaga iyo saaxiibkiis Cabdiraxmaan Cusmaan waxa ay soo saareen hab cusub oo dadka ay ka daalacan karaan tallooyinka ku saabsan cudurka Karoona. BBC-da ayuu u waramay Karsten. https://www.bbc.com/somali/war-52997612 +health Sawir soo koobaya dhibaatada Covid-19 uu ku hayo Hindiya "Sawir qalbiga taabanaya oo laga qaaday Hooya Hindiya ku nool oo agfadhida meydka wiilkeeda oo 29 jir ah oo u dhintay fayraska Korona ayaa hadalhayn weyn ka abuuray dalkaasi. Sawirka ayaa muujinyaa Hooyo Chandrakala Singh, oo aad u daallan oo dhagax ku fadhida uuna horyaalla meydka wiilkeeda Vineet Singh, sawirka oo laga qaaday wadda ciriiri ah oo ka mid ah waddooyinka magaalada Varanasai oo ka tirsan gobolka Uttar Paradesh oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi. Sawirkan naxdinta leh ayaa tusaale ka bixinaya saameynta uu cudurka safmarka ah uu u geystay Hindiya iyo sida uu cudurka uga itaal roonaaday adeegga caafimaadka dalkaasi. Dalka Hindiya ayaa ka mid ah dalalka uu sida weyn uu u saameeyey mowjadda labaad ee Covid-19. Gobolka Varanasi, oo ah gobolka laga soo doorto Ra'isal wasaare Narendra Modi ayaa ka mid ah gobollada sida weyn ula daalaa dhacaya cudurka. ""Vineet kalliyaha ayaa ka xanuunsanaa wuxuuna ku xirnaa dhakhtar ka shaqeeyo isbitaalka BHU, Isniintii ayuuna la ballansanaa dhakhtarka"" ayuu yiri Singh adeerkii. Balse Hooyada iyo wiilkeeda xanuunsan isbitaalki ay ballanta ku lahaayeen markay gaareen waxaa loo sheegay inuu dhakhtarka joogin waxaana lagula taliyey iney tagaan xaruunta lagu hayo dadka ay xaaladdooda culustahay. Hase yeeshee ,Vineet wuxuu ku dhacay albaabka laga galo xaruunta dadka xaaladaha degdegga ah ku jira, maadaamaa ay shaqaalaha isbitaalka diideen iney wiilkeeda qaabilaan, ayey tiri hooyadii. ""Waxay igu yirahdeen waxaa ku dhacay korona ee naga qaado. Wiilkeygana waxaa dhibayey naqaska. Waxaan shaqaalaha caafimaadka ka baryay iney wiilkeyga Oxygen ku xiraan,"" ayey tiri iyada ooyeysa. Haddana waxay u sii qaadday isbitaal gaar loo leeyahay oo ku dhawaa iyada oo bajaaj ku sii qaadday, balse nasiib darrro iyagiina wey diideen iney qaabilaan. Vineet isbitaal seddexdaad inta loo sii wado ayuu geeriyooday dhabta hooyadii isaga oo ku jiifa. Xilli ay hooyadaasi aad uga murugeysan tahay geerida wiilkeeda oo ay gargaar u baahan tahay, ayey tuugo ka xadday diiwaankii caafimaad ee wiilkeeda, lacagti ay wadatay iyo taleefanki gacanta intaba. Sawirka hooyada ayaa marki ugu horreysay lagu daabacay wargeyska maxalliga ah ee Dainik Jagran, kaddibna sawirka ayaa ku baahay dalka Hindiya oo dhan. Shravan Bharadwaj oo ah wariyaha tabiyey warbixinya hooyada uu wiilkeeda Covid-19 uga geriyooday oo BBC u warramay wuxuu sheegay Vineet inuu ku dhintay bannaanka kore ee isbitaalka BHU iyo aag ay ku yaalliin in kabadan toban hoospitaal oo gaar loo leeyahay. ""Balse cid bukaanka geeriyooday gargaar u fidisay malahan,"" ayuu yiri. Weli waxaan la caddeyn Vineet inuu u dhintay Covid-19 ama wax kale inkasta oo ay qoyskiisa sheegeen ""iney ku arkin wax astaan ah oo cudurka korona la xiriira"". ""Haddii Vineet la siin lahaa daryeel oo lagu caawin lahaa qalabka neefsiga lagana daweyn lahaa kalliya xanuunka naftiisa waa la badbaadin kari lahaa. Balse wuxuu u dhintay dayacaad. Dayacaadda noocan oo kale ahna waxaa u dhiman doono dad aad u badan,"" ayuu yiri adeerkii. Dhacdooyin noocan ah ayaa ka dhaca dalka Hindiya oo dhan maadaamaa uu cudurka safmarka ee corona uu fara ba'an dalkaasi ku hayo isbitaalladana ay la ciirciirayaan. Dad badan oo Vineet la mid ahna waxay ku dhintaan isbitaalka bannaankiisa ama iyaga oo isbitaalka ku sii socda. Baraha bulshadana waxaa qabsada qayladhaan la xiriirta baahida loo qabo qalabka neefsiga ama Oxygen, qalbka caawiyo bukaannada xaaladaha aadka u liita ku jira (ICU), sariira bukaannada la jiifiyo iyo dawooyinka bukaannada lagu badbaadiyo maadaamaa mowjadda labaad ee cudurka uu dalkaasi si weyn u saameeyey. Mas'uul ka tirsan isbitaalka oo BBC u warramay wuxuu sheegay cudurka safmarka ah maadaamaa ay xaaladdiisu faraha ka sii baxeyso iney bixiyaan oo keli adeegga la talinta oo qaab online ah. Dr Sharad Mathur, oo dhakhaatiirta isbitaalka ka howlgasha ka mid ah wuxuu sheegay iney dadaalayaan balse, 'culeyska uu aad u badan yahay', ""Shaqaalaha ayaa aad u yar, shaqaalihi isbitaalka oo dhanna waa la howl geliyey. maalin walbana waxaan badbaadinnaa dad aad u badan. Balse dadku waxay isbitaalladu yimaaddaan oo keli ah marka ay bukaanka xaaladdiisu gaarto halki ugu xumeyd. Arrimahan oo dhan waxay dhacayaan iyada bartanka looga jiro mowjadda labaad ee cudurka safmarka"" ayuu yiri. ""Dhammaan bukaannada aan qaabilno waa kuwa ay xaaladdooda culustahay. Balse annagu ma awoodno inaan bukaannada oo dhan badbaadinno,"" ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/war-56861029 +health Cilmi-baadhis Koongo laga wado oo dhalisay rajo ah in HIV la dawayn karo "Saynisyahanno ayaa sheegay in ay rajo dawo loogu heli karo HIV ay abuurtay arinta la ogaaday ee ah in dad badan oo jidhkoodu si dabiici ah u xakameeyo fayraska HIV ay jiraan. Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in 4% dadka qaba fayraska HIV ee ku nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, jidhkoodu awood u leeyahay inuu xakameeyo fayraska. Sida caadiga ah in ka yar 1% dadka qaba fayraska HIV ayaa jidhkoodu sidaa u xakamayn karaa fayraska. Cilmi-baadheyaasha ayaa sheegay in rintani noqon karto bilowga cilmi-baadhis dheeraad ah oo lagu heli karo talaal ama dawo cusub oo lagu la tacaali karo fayraskan keena Aids-ka. Waddan meydadka muslimiinta u qoondeeyay jasiirad si loogu aaso Angelina Jolie oo sawir Masaajid ku iibisay $7 milyan ""Markii ugu horraysay ee aanu aragnay xogta ka soo baxday daraasadda waanu yaabnay laakiin se waanu ku faraxnay"" ayay tidhi Mary Rodgers oo horseed u ah saynisyahannada daraasaddan wada oo BBC-da la hadashay. "" Taa macanaheedu waxa weeyi in cudurkani yahay mid la dawayn karo"" ayay tidhi. Cilmi-baadhistan oo lagu baahiyey majallada eBioMedicine oo hoos tagta Lancet ayaa lagu darsay dhiig laga qaaday dad HIV qabay intii u dhacaysay 1987 ilaa 2019. Kooxda cilmi-baadhista wada waxa ku jira saynisyahanno ka socda shirkadda dawooyinka samaysa ee Abbott, Jaamacadda Protestante au Congo, jaamacadda Johns Hopkins, US National Institute of Allergy and Infectious Diseases, iyo jaamacadda Missouri - Kansas City. Dr Rogders oo madax ka ah mashruuca Abbott ee daraasaadka fayraska ee dunida, ayaa sheegtay in Koongo tahay dalkii tirada ugu badan ee dadka astaamahan leh laga helo taas oo ah inta u dhaxaysa 2.7% ilaa 4.3%, halka dalka Cameroon na laga helay 1%. ""Run ahaantii arintan oo kale hore looma ogaan, inta badan na dadka qaba HIV ee sidan oo kale jidhkoodu u xakamayn karo fayrasku waxay ahayd in ka yar 1%"". Haatan dadka qaba HIV badankoodu waxay qaataan dawooyinka qofka u sahla in jidhkiisu iska difaaco fayraska. Ilaa haatan lama oga sida dadkan laga helay Koongo jidhkoodu u xakameeyo fayraska. Laakiin Dr Rodgers waxay sheegtay in fahamka dadka noocan ahi haatan fududaynayo in ay suurto gal noqon karto in fayraska la xakamayn karo. Maxay yihiin qareennada cusub ee hoggaaminaya dacwadda Kenya ee ICJ? Maxaad ka taqaanaa taariikhda Faraaciinta Masar, waase kee kan lagu sheegay Quraanka? Hase yeeshee waxay carrabka ku adkaysay in loo baahan yahay cilmi-baadhis dheraad ah maadaama oo daraasado hore oo la sameeyey lagu ogaaday in dadka awoodda noocan ah jidhkoodu leeyahay ay diciifaan marka ay muddo dheer qabaan cudurka. HIV wuxuu dunida ka dilaacay sannadihii sideetameeyadii waxaanu ku dhacay 76 milyan oo qof, laakiin waxa haatan qaba fayraskaa 38 milyan oo qof sida ay sheegtay shirkadda Abbott. Waxa la rumaysan yahay in uu fayrasku qarni ka hor ka soo bilaabmay dalka Koongo, waxaanu haatan aad ugu badan yahay HIV dumarka iyo caruurta dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya." https://www.bbc.com/somali/56261836 +health """Walaashey oo bil ka hor la ii sheegay inay Corona u geeriyootay ayaa i soo wacday""" "Haweenay 74- jir ah oo u dhalatay dalka Ecuadore oo horey ay dhakhaatiirta u shaaciyeen in ay u dhimatay Corona ayaa la helay iyada oo nool ka dib markii qof kale oo dhintay lagu qalday. Qoyska Alba Maruri ayaa lagu wargaliyay bishii aanu soo dhaafnay inay dhimatay ka dib waxaa loo geeyay dambaskii meydkii la gubay. Balse Ms Maruri ayaa soo toostay Khamiistii ka dib markii ay Koomo ku jirtay saddex toddobaad, waxayna dhakhaatiirta ka codsatay in walaasheed ay u wacaan. Qoyskeeda ayaa aad ugu farxay warkaasi - balse waxa ay kala cadeyn waayeen qofka uu yahay dambaska meydka ay guriga ku haystaan. Isbataalka ayaa raaligalin ka bixiyay khaladka dhacay . Ms Maruri ayaa ku nool magaalada Guayaquil, oo ah goob xudun u ah cudurka Covid-19 ee dalka Ecuador. Dalka Ecuador ayaa waxaa si wayn u saameeyay cudurka corona, waxaana uu cudurka ku dhacay 22,000 oo qof, halka ku dhawaad 600 la soo sheegayo in ay dhinteen. Sida laga soo xigtay wargeys ka soo baxa dalkaasi oo lagu magacaabo El Comercio, Ms Maruri ayaa bishii aanu soo dhaafnay la jiifiyay isbataalka ka dib markii ay dareentay qandho daran islamarkana ay neeftu ku dhagtay. 27 bishii March qoyskeeda ayaa lagu waargaliyay inay dhimatay. Waxaa la tusay meydka oo yaallay goobta meydadka la dhigo, balse meel fog ayaa laga tusay iyada oo laga cabsi qabo feyriska Corona. Wiil ay eeddo u tahay Ms Maruri oo lagu magacaabo, Jaime Morla, ayaa u sheegay saraakiisha isbataalka in uu u maleynayay eedadii markii meydka la tusay. ""Waan ka baqayay in aan wajigeeda eego,"" waxaa uu sidaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP. ""waxaan u jiray 1 mitir iyo badh, waxa ay ahaayeen isku timo iyo isku jidh"". Meydka ayaa la qaaday ka dib na la gubay islamarkana dambaskii ka soo haray meydka ayaa loo geeyay qoyska. Balse khamiistii, Ms Maruri ayay soo naaxday islamarkana dhkhaatiirta oo aad u yaaban ay u sheegtay magaceeda. Waxay siisay lambarka teleefoonka gurigeeda islamarkana waxay walaasheed oo lagu magacaabo, Aura, ka codsatay inay soo raadiso. Koox ka socotay isbataalka ayaa gurigeeda tagay si ay u raaligaliyaan qoyskeeda, sida uu qoray wargeyska El Comercio. Dhakaatiirta ayaa waxay sheegeen in isbataalka xilligaasi uu jahwareer ka jiray islamarkana ay ka tira bateen kiisaska dhimashada ee Corona. ""Waa mucjiso, ku dhawaad bil waxaan u haysanay in ay dhimatay, bal qiyaas, waxaana guriga aan ku haystay dambaska qof kale,"" ayay tiri Aura. Qoyska ayaa imika xukuumadda ka dalbaday magdhaw islamarkana ay dowladda bixiso qarashkii ka galay gubidda meydka. Ms Maruri ayaa imika loo gaday firaash cusub maadaama firaashkii ay horey ugu seexan jirtay la tuuray." https://www.bbc.com/somali/war-52425898 +politics Hadalkii Mo Farah oo sababay arrin aan horay u dhici jirin "Waxaa kordhay wicitaannada dadka la xiriiraya hay'ad samafal oo ka shaqaysa arrimaha wacyigelinta tahriibinta wixii ka dambeeyay markii uu Mo Faarax shaaciyay sheekada ku saabsan in isagoo yar si sharci-darro ah lagu geeyay UK. Hay'adda ""Unseen UK"" ayaa BBC-da si gaar ah ugu sheegtay in wicitaannada lagula soo xiriiro ay sare u kaceen 20%. Sidoo kale waxaa 15% kordhay xiriirrada guud ee lala soo sameeyo hay'adda, waxayna dadka qaar kala soo xiriireen dhinaca bogga internet-ka. Agaasimaha hay'addan samafalka ah, Justine Carter, ayaa sheegtay in dadka soo wacay dhammaantood ay si gaar ah u sheegeen in hadalladii Mo Farah ay ku dhiirrigeliyeen tallaabadan. Xiddigga Olympic-da ayaa horaantii bishan shaaca ka qaaday in UK ay geeyeen dad aan waalidiintiisa ahayn. Isagoo ka hadlayay dukumintari ay diyaariyeen BBC-da iyo Red Bull ayuu sheegay in ay UK u duulisay haweeney uusan garanayn, ayna siisay magaca ""Maxamed Faarax"" oo uu leeyahay qof kale. Waxa uu intaas ku daray in magaciisa dhabta ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin. Mas'uuliyiinta hay'adda Unseen UK ayaa BBC-da u sheegay in isbuucii ku xigay marka uu Mo Faarax shaaca ka qaaday xogta ku saabsan noloshiisa - oo markii ugu horraysay hawada laga sii daayay 11-kii bishan July - ay 231 ruux soo waceen laantooda ka shaqaysa addoonsiga casriga ah. Dadkaas ayaa aad u badnaa marka la barbar-dhigo tirada dadkii hay'adda lasoo xiriiray isbuucii ka horreeyay kaas oo ahayd 192 qof. Wadarta 368 ruux ayaa isbuucaas gudihiisa soo wacay hay'adda marka loo eego 319 qof oo soo wacay toddobaadkii ka horreeyay. Carter ayaa BBC News u sheegtay in wicitaannada soo kordhay ay ka dhigan yihiin ""kalsooni soo noqonaysa"". ""Waxay muujinaysaa in sheekooyinka noocan ah ee dadka caanka ah ku saabsan ay saamayn wayn ku yeelanayaan dadweynaha, waxayna dhiirrigelinayaan dadka laga yaabo inay arkeen waxyaabo walaac abuuraya ama soo maray xaalado la mid ah tii Mo Farah uu uga warramay BBC-da,"" ayay tiri. ""Dadku waxay dareemayaan cidlo iyo inay go'doonsan yihiin marka ay ku jiraan marxalad taas la mid ah, sidaas darteed inay ogaadaan in uu qof kale dhibkaas maray, welina uu ka cabanayo, waa mid muhiim ah,"" ayay sii raacisay hadalkeeda.. ""Waxay taas siinaysaa dhibbaneyaasha rajo ku dhiirrigelisa inay noloshooda xorta ah sii wataan."" Carter ayaa sheegtay in dadka lasoo xiriiray ay isugu jireen dad hadda ku jira shaqaalanimada khasabka ah iyo kuwo sanado ka hor soo maray balse wali dareemaya xanuunka ay ku reebtay xaaladdaas. Sir Mo ayaa dukumintariga ku sheegay in uu ku dhashay Somaliland, markii uu siddeed sano jirayna loo kaxeeyay inuu qoyskiisa kula noolaado Jabuuti. Kaddib waxaa UK u dhoofisay haweeney uusan weligiis la kulmin waxna aysan isku ahayn, balse waxay u sheegtay in uu la noolaan doono qaraabadiisa oo ku sugan Yurub. Mo Faarax ayaa sheegay in lagu qasbi jiray shaqada guriga iyo xannaanaynta carruurta xilliga uu joogo guri ay haweeneydaas ka dagganayd galbeedka magaalada London. ""Haddii aad rabto inaad weligaa dib dambe u aragto qoyskaaga, waxba ha sheegin,"" ayay ku tiri, sida uu sheegay Mo Faarax. Waxyar kaddib marka uu Mo Faarax qisadiisa shaaciyay, isbahaysi ka kooban hay'adaha la dagaallama tahriibinta iyo qareenno ayaa soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku bogaadinayaan tallaabada uu qaaday." https://www.bbc.com/somali/articles/cjl5z4yd9pdo +health Coronavirus: Wiil Soomaali ah oo noqday qofkii ugu da’da yaraa ee UK ugu dhintay Covid-19 "Wiil 13 jir ah oo Soomaali ah, oo laga helay coronavirus ayaa geeriyooday, sida ay sheegeen maamulka isbitaal ku yaalla magaalada London. Ismaaciil Maxamed Cabdulwahab, oo qoyskiisa ay daggan yihiin xaafadda Brixton ee koonfurta London, ayaa galinkii hore ee maalintii Isniinta ku geeriyooday isbitaalka King's College. Waxaa la aaminsan yahay inuu noqday qofkii ugu da'da yaraa ee coronavirus ugu dhintay gudaha UK. Afhayeen u hadlay isbitaalka ayaa sheegay in dhimashada wiilkan yar loo sababeeyay saameynta xanuunka corona, laakiin wax faah-faahin dheeri ah ma uusan bixinin. In ka badan 1,790 qof ayaa UK ugu geeriyootay cudurkan loo bixiyay Covid-19. Tirakoobkii ugu dambeeyay ayaa lagu sheegay in hal maalin gudaheed ay dhimashada ku korortay 381 qof, taasoo ahayd tii ugu sarreysay ilaa hadda. Qoyska Ismaaciil oo bayaan ay so saareen uu shaaciyay qof saaxiib la ah ayaa sheegay ""inay musiibo weyn ku tahay"" geeridiisa. Waxay intaas ku dareen inuusan horay u qabin cudurro muuqday oo dhibaato ku ahaa caafimaadkiisa, wixii ka horreeyay maalintii Jimcada oo laga helay Covid-19. Hal maalin ka hor xilligaas ayaa isbitaalka lasii dhigay, kaddib markii ay xaaladdiisa caafimaad isbaddashay. ""0.3% oo ka mid ah dadka ay calaamadaha cudurkan ka muuqdaan ayaa u baahan in isbitaal la dhigo, 0.006% oo ka mid ah dadkaasna way u dhintaan - marka si kale loo dhigana 2 ka mid ah 30,000 oo qof oo uu cudurkan ku dhaco iyagoo da'da wiilkaas ah kama badbaadayaan,"" ayuu yiri qofka saaxiibka la ah qoyska. ""Laakiin way dhacdaa, sida haddaba kiiskan murugada badan ka muuqata."" Qoyska Ismaaciil ayaa sheegay in wiilkooda ay isbitaalka geeyeen markii ay ku arkeen calaamadaha, xilligaasoo neefsashada ay dhibeysay. ""Xaaladdiisu way sii xumaaneysay ilaa uu koomo ka galay, ugu dambeyntiina nasiib darro wuxuu geeriyooday subaxnimadii Isniinta,"" ayey dhaheen. Waxaa diyaariyay Richard Warry, Kaaliyaha tifaftiraha qeybta caafimaadka ee BBC News Cilmibaaris la sameeyay ayaa muujisay in carruurta iyo dhalinyarada dhowr iyo toban jirka ah ay aad u yartahay inay u dhintaan Covid-19, marka loo eego dadka waaweyn. Calaamadaha cudurka ayaa si khafiifka uga soo muuqda carruurta, iyagoo u eg sida hargabka caadiga ah. Seynisyahannadu wali ma aysan kala hubsanin sababta ay arrintan u dhacday. Waxaa suurtagal ah in difaaca jirka ee carruurta uu yahay mid kan dadka waaweyn uga awood badan la dagaallanka Fayraska. Laakiin tani micnaheeda ma aha in carruurta qaba xanuunnada kale aysan waxba ku noqoneynin saameynta coronavirus. Dr Nathalie MacDermott, oo ah macallin cilmiga caafimaadka ka dhiga King's College London, ayaa sheegtay in dhimashada Ismaaciil ""ay muujineyso muhiimadda ay noo leedahay inaan qaadno tallaabooyinka loo baahan yahay si loo yareeyo faafitaanka cudurkan ee gudaha UK iyo guud ahaan caalamka"". Waxay intaas ku dartay: ""Waa lagama maarmaan in la sameeyo cilmibaaris lagu ogaanayo sababta ay cudurka ugu dhintaan dad ka baxsan kuwa la filan karo""." https://www.bbc.com/somali/war-52121931 +business "Nin mushaarkiisa uu hal milyan dollar ka badnaa oo ""cunto xaday""" "Bangiga maalgashiga caalamiga ah ee Citi ayaa shaqada ka joojiyay nin howl sare ka hayay bangiga oo lagu eedeeyay inuu cunto ka xaday maqaayad ku dhex taallo bangiga oo shaqaalaha Citi ay wax ka iibsadaan. Ninkaas oo qeybta ganacsiga qaabilsanaa oo lagu magacaabay, Paras Shah, waxaa la sheegay in mushaarkiisa sannadkii uu ahaa in ka badan £1m ($1.31m oo dollar), taas oo ay ku jirto gunnadii uu helayay. Waxaa laga qaaday shaqadii uu hayay oo ahayd mid sare oo qaabilsan ganacsiga Yurub, Bariga dhexe iyo Afrika, taas oo ah midda mushaarkaas badan uu ku helayay, sida uu bahiyay wargeyska Financial Times. Bangiga Citigroup wuxuu diiday in uu ka hadlo eedahaas iyo warbixinta Financial Times. Sida wararka kale ay sheegayaan, Mr Shah, oo 31 sano jir ah, waxaa shaqa joojinta lagu sameeyay ka dib markii lagu eedeeyay in uu cunay rooti ismaris oo qudaar ama hilib gudaha laga geliyay, oo yaallay kantiinka bangiga, ee xaruntiisa London. Ma cadda inta goor ee uu ""xaday cuntada"" ama muddada ay eedeyntaas soo jiitameysay. BBC ayaa isku deyday in ay la hadasho Mr Shah balse cinwaankiisa Linkiedin, wuxuu u muuqdaa in uusan shaqeyneyn oo hawadana laga saaray. Mr Shah ma ahan qofkii ugu horreeyay ee shaqo sare ka hayay Citi ee wajahaya cawaaqib xun oo ka dhashay eed ama daacaddaro yar oo fudud oo cadeyn loo hayo. Sannadkii 2014-kii, Agaasimaha BlackRock, Jonathan Paul Burrows ayaa laga mamnuucay in uu ka shaqeeyo adeegga dhaqaalaha ee warshadaha, ka dib markii lagu helay in dhowr goor uusan iibsan tikitka tareenka uuna si ""qarsoon ku raacay"", xilliyo uu isaga kala gudbayay London gudaheeda. Maamulk Ansaxa ee arrimaha Dhaqaalaha (FCA) waxay sheegeen in ninkaas laga filayay in uu dadka kale u noqdo qof ay ku deydaan, balse ficilkiisa ""uu hoos uga dhigay heerkii laga filayay qof isaga oo kale ah"". Hadda, shaqa joojinta lagu sameeyay Mr Shah waxay ku soo aadeysaa iyadoo bilo ay ka dhiman tahay xilliga mushaar kordhinta iyo gunnada loo sameeyo shaqaalaha madaxda ah ee Citigroup bank. Wuxuu horey uga shaqeyn jiray bangiga HSBC, wuxuuna Citi ku biiray sannadkii 2017-kii." https://www.bbc.com/somali/war-51384448 +health Waa kuma dhaqtarka Muslimka ah ee wadnaha doofaarka ku beeray ninka bukaanka ah? "Dr. Maxamed Mansuur Muxyadiin, oo ah dhaqtar u dhashay dalka Pakistan ayaa warbaahinta caalamka qabsaday, kaddib markii isaga iyo dhaqaatiir kale ay wadne doofaar ku beeray nin qabay xanuun dhanka wadnaha ah oo xaaladdiisu ay halis ahayd, sida uu faafiyay taleefishinka Turkiga ee TRT. Ninkan qalliinka lagu sameeyay oo lagu magacaabo David Bennett oo 57 jir ah, ayay xaaladdiisu geeri qarka u saarneyd. Dhaqtarka oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ilaa 150,000 oo qof oo ku nool gudaha Mareykanka keliya ay sugayaan in xubno kale lagu tallaalo. Intooda badan bukaannadaas ayaa u dhimanaya xaaladdooda haddii aan loo helin xubin kale oo lagu beero, sababtoo ah ma jiraan xubno bini'aadam oo ku filan oo dhammaantood lagu wada talaalo, sida uu dhaqtarku sheegay. Wuuxu intaas ku daray in shaqadiisa uu diiradda ku saaray uun in dadkaasi loo helo xubin kale oo lagu beero, sida uu kasoo xigtay taleefishinka Pakistan ee Geo TV. Qalliinkan taariikhiga ah ayaa guul weyn u ah dhaqaatiirta iyo baarayaasha Jaamacadda Maryland. Safiirka Pakistan u fadhiya Mareykanka Dr. Asad Majeed Khan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu Dr. Maxamed Muxyadiin uga mahadceliyay guusha uu ka gaaray in markii ugu horreysay dunida uu wadnaha doofaarka ku beero bani'aadam. Dr Maxamed ayaa sheegay in warbixinta iyo baaritaanka ay kooxdu sameysay ay mustaqbalka ka faa'iidi doonaan bahda caafimaadka. ""Qalliinka guuleystay wuxuu bixiyay warbixin qiimo leh oo bahda caafimaadka ka caawineysa inay horumariyaan habkan naf-badbaadinta."" ayuu yiri. Dr Mohiuddin ayaa waxaa qalliinka la fuliyay Dr Bartley P. Griffith. Dr. Maxamed waa agaasimaha barnaamijka xubno beeridda ee Jaamacadda Maryland ee dalka Mareykanka. Wuxuu inta badan qaabilsan yahay in xubno xayawaan lagu beero bukaannada aan xaalkooda wax laga qaban karin. Wuxuu Mareykanka u guuray horraantii sanadihii 1990-meeyadii. Wuuxu sanadkii 1989 ka qalin jebiyay Jaamacadda Dow ee magaalada Karachi ee caasimadda dalka Pakistan, isagoo ka bartay sayniska caafimaadka. Markii uu tegay Mareykanka wuxuu baayolojiga xubno beerista ka bartay Jaamacadda Pennsylvania, sidoo kale wuxuu beerista dhuuxa ka bartay Jaamacadda Drexel. Dr Maxamed wuxuu sidoo kale wax ka dhigaa isla jaamacaddaas Maryland." https://www.bbc.com/somali/war-59979578 +health Spain: Nin loo heysto inuu 'dilay ka dibna cunay meydka hooyadiis' Nin u dhashay dalka Spain ayaa maxkamad la soo taagay kaddib markii, sida la sheegay, uu dilay hooyadiis, meydkeeda jarjaray, kaddibna cunay. Alberto Sánchez Gómez ayaa la xiray 2019, kaddib markii booliiska ay tageen guriga hooyadiis oo 66 sano jir ahayd. Xilligaas waxaa cabasho booliiska u gudbiyay nin saaxiibkiis ah. Booliska waxay sheegeen in ay arkeen xubno jirka bani'aadamka ah oo ku kala firirsan agagaarka guriga - qaarkood waxaa lagu riday weelal caag ah. Ninkan ayaa maxkamadda u sheegay in uusan xusuusan in uu jarjaray ka dibna cunay meydka hooyadiis. Waxaa la sheegay in uu horey u qabay xanuun dhanka dhimirka ah, sidoo kalena uu daroogada aad u isticmaali jiray. Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in booliiska uusan ku cusbeyn ninkan, laguna yaqaannay in uu tacaddiyo kula kici jiray hooyadiis, María Soledad Gómez. Markii la soo xirayay na wuxuu jebiyay sharciga xarigga loo jaray. Maxkamadda ayaa dhegeysatay warbixintii booliska booqday guriga oo ku yaalla bariga Madrid, bishii February 2019. Qaar ka mid ah xubnaha bani'aamka ayaa dabka saarnaa oo uu ninkan karinayay halka qaar kalena lagu guray weelal, sida lagu daabacay wargeyska El Mundo. Ninkan oo markaas 26-sano jir ahaa, ayaa la sheegay in uu qirtay in uu ceejiyay hooyadiis wuxuuna sheegay in mararka qaar uu xubno ka tirsan meydkeeda cunayay mararka qaarna uu eyga siinayay. Maxkamadeynta ninkan ayaa weli ka socoto dalka Spain. https://www.bbc.com/somali/war-56846022 +politics "Abiy Axmed: ""dagaal magaalo waxa uu yahay ayaan cadowgayaga hadda kaddib tuseynaa""" "Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Axmed ayaa sheegay rabshadihi maalmihi ugu dambeeyey ka socda dalka Itoobiya ee ay soo maleegeen waxa uu ku sheegay cadowga dalka Itoobiya iney laamaha ammaanka Federaalka iyo Deegaanka oromada aysoo afjareen. Ra'isal wasaaraha oo shir jaraa'id oo uu kaga hadlayo xaaladda dalka itoobiya uu ku sugan yahay qabtay ayaa sheegay dowladdu iney qabatay gacan ku dhiiglayaashi dilay fannaanki caanka ahaa Hachaaluu Hundeesaa, balse ay harsan yihiin kooxihii dilkaasi soo maleegay dowladduna ay ka qaadi doonto tallaabbo adag. ""Shaqsiyaadki dilka iney geteen looga shakiyey waa la hayaa waxaana dilkaasi lugu ku leh shaqsiyaad qaab dhismeedka dowliga ku jira"" ayuu yiri. ""Aragtiyada naceybka xambaarsan ee ku saleysan qowmiyad ama siyaasad dalka Itoobiya wixi hadda ka dambeeya boos ugama bannaana, xoogagga doonayey iney dalka Itoobiya dhiig ku daadiyaanna waxaan u sheegayaa iney riyadoodaasi marnaba rumoobeynin"" ayuu yiri. Dr Abiy Axmed oo telefishiinka qaranka ee dalka Itoobiya ka soo muuqday isaga oo ku labbisan labbiska ciidamada ilaalada qaranka ayaa mahad ballaadhan u soo jeediyey: ""Xoogagga magac qabiil ama siyaasad ku soo gabbanaya ee aan aan dagaal waxa uu yahay oo doonaya iney dagaal magaalo waxa uu yahay ay na baraan waxaan ku qasbanahay inaan tusno dagaal magaalo waxa uu yahay iyo sida guusha looga gaaro, xoogagga doonaya iney facebooka ka riyoodaanna waxaan u sheegeynaa iney marnaba riyadoodaasi u rumoobeyn."" ""Wixi hadda ka dambeeya waa in la ogaadaa dalka Itoobiya argatiyada kala duwan ee siyaasadeed in lagu meel marin kara oo keli si nabadgalyo iyo dimuqraadiyad ah"". ""Dambiilayaashana si degdeg ah ayaan sharciga u horkeeneynaa si mudankooda loo mariyo"" ayuu yiri Dr Abiy. ""Sida dowladihi hore dadka aan xirno ama aan soo qabanno ciddiyaha kama siibeyno, guri mugdi ahna kuma xireyno, si aan wax u sheegsiinnana ma garaaceyno, si sharci ah oo sharciga waafaqsan oo keli ah ayaan kula xisaabtameynaa mudankoodana ku marineynaa"" ayuu yiri. ""Seddex June oo isku xigta (208-2019) ayaa la damcay in dalka Itoobiya dhiig lagu daadiyo, tii koobaad waxa la isku dayay in la I dilo, tii labaadna waxaa la dilay saraakiil iyo madax dalka ka mid ah, tan seddexaad ee sanadkanna waa tan fannanka lagu dilay ee ay ka dhasheen rabshadah ay dadka badan ku dhinteen"" ayuu yiri Dr Abiy Axmed. Hadalka uu warbaahinta dalka Itoobiya uu ka jeediyey Dr Abiy Axmed ayaa u muuqday mid ka kulul kuwii horay looga bartay. Afhayeenka xafiiska ra'isal wasaaraha Itoobiya Billane Siyuum oo shir jaraa'id qabatay waxay sheegtay in adeegga Interneetka toddobaadka soo socda la sii deyn doono maadaamaa ay xaaladda dalka ka soo reyneyso. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya wuxuu sheegay in seddex talefishiin oo gaar loo leeyahay xafiisyada ay addis abab ku lahaayeen la xiray, telefishiinnadaasi oo kala ah: Asrat TV, Dimse-Wayane TV iyo OMN TV. Duqa magaalada Addis Ababa Injiner Takale Umma wuxuu isna sheegay in wixi hadda ka dambeeya aan loo dul qaadan doonin dadka caadeysata tallaabba kasta oo xasiloonida iyo nabadda dalka wax u dhimeyso. Hay'adda u doodad xuquuqda wariyeyaasha ee CPJ waxay dowladda Itoobiya ugu baaqday in adeegga Internetka fasaxdo wariyeyaasha ay xabsiga u taxaabtayna ay sii deyso. Labadi maalmood ee ugu dambeeyey inkasta oo ay xaaladda dalka Itoobiya degganeyd haddana, ciidamo hubeysan oo aad u tira badan ayaa laga howl geliyey maagaalooyinka waaweyn ee deeganka Oromada. Magaalooyinka waaweyn ee deegaanka Oromadana waxaa lagu soo rogay bandow iyada oo shacabka lagu wargeliyey iney guriyahooda ka soo bixin. Magaalada Addis Ababana waxay wararku sheegayaan in rabshadihi maalmihi u dambeeyey ka dhacay magaaladaasi laga dareemayo oo ay waddooyinka waaweyn ee magaalada ay hawanayaan socodka dadka iyo gaadiidkana uu ku yar yahay. Dowladda Itoobiya waxay sheegtay iney xirtay 35 xubnood oo rabshadaha waddankasi ka socda lala xiriiriyey oo ay ka mid yihiin Jawhar Maxamed iyo Baqale Garbaa. Qoyska siyaasiyiinta xiran oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen inuu Jawar Maxamed uu diidday cuntada ay dowladda siiso, halka ay dowladduna diidday in Jawar cunto dibadda looga keeno. Tirada rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay rabshadihi dalka Itoobiya ka dhacay waxaa la sheegay iney ku dhinteen dad ka badan 80 qof, waloow ay jirin cid xaqiijin karta tirada rasmiga ah ee dhimashada ama dhaawaca maadaamaa interneetka iyo isgaarsiinta dalkaasi ay go'an tahay." https://www.bbc.com/somali/war-53289044 +politics Trump oo muujiyey in uu iskaga tegayo Aqalka Cad "Donald Trump ayaa sheegay inuu ka tagayo Aqalka Cad hadii Joe Biden si rasmi ah loogu caddeeyo inuu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka. Madaxweynaha ayaa diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaadhay codbixintii 3 November, wuxuuna saxaafada u sheegay khamiistii inay adkaan doonto in la ogollaado. Waxa kale oo uu mar kale ku celiyey sheegashooyin aan caddayn lahayn oo ah musuqmaasuq codbixineed. Mr Biden wuxuu ku hogaaminayaa Mr Trump 306 cod halka uu helay 232 iyadoo la raacayo nidaamka ergada doorashada ee lagu soo xulo madaxweynayaasha Mareykanka. Tirada ayaa aad uga badan 270 oo ah intii loo baahnaa in lagu guuleysto, Mr Biden ayaa sidoo kale hoggaaminaya codbixinta dadweynaha in ka badan lix milyan. Codbixiyeyaashu waxay kulmi doonaan bisha soo socota si ay cod rasmi ah uga dhigaan, iyadoo Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo. Madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayaa dacwado dhowr ah oo dhanka sharciga ah u gudbiyey doorashada, laakiin badankood waa ladiiday. Horraantii toddobaadkan, Mr Trump wuxuu ugu dambayntii ogolaaday diyaarinta kala-guurka rasmiga ah ee kooxda madaxweynaha la doortay ee Biden inuu bilowdo, ka dib dhawr toddobaad oo uu hubaal la'aan ahaa. Go'aanka ayaa ka dhigan in Mr Biden uu awood u leeyahay inuu helo warbixino sare oo dhanka amniga ah isla markaana uu galaangal ugu yeesho saraakiisha muhiimka ah ee dowlada iyo lacago malaayiin doolar ah isagoo isku diyaarinaya inuu la wareego 20ka Janaayo. Markii la weydiiyay Khamiista inuu aqbali doono inuu ka tago Aqalka Cad hadii uu ku guuldareysto codeynta ergada doorashada, wuxuu yidhi: ""Xaqiiqdii waan ka tegi doonaa, xaqiiqdii waan tegi doonaa waadna ogtihiin taas."" Si kastaba ha noqotee, wuxuu sii waday inuu dhaho ""hadii ay doortaan [Joe Biden], qalad ayeey sameeyeen"", wuxuuna soo jeediyay inuusan marnaba aqbali doonin in laga adkaado. ""Waxay noqon doontaa wax aad u adag in la qirto maxaa yeelay waxaan ognahay inay jirto khiyaano aad u weyn,"" ayuu yidhi, eedeyn uusan cadeyn u soo bandhigin. Ma uusan caddayn inuu ka qeyb galayo caleema saarka Mr Biden iyo in kale. Nidaamka doorashada Mareykanka, codbixiyayaashu si toos ah uma doortaan madaxweynaha xiga. Ta abadalkeedd, waxay u codeeyan saraakiisha 538, kuwaas oo loo qoondeeyey gobolada Mareykanka iyadoo lagu saleynayo tirada dadkooda. Madaxweynaha la doortay wuxuu u dabaaldegay mahadnaq aamusnaan ah Khamiistii, maalinta dalkaasi looga yaqaan maalinta mahadnaqa iyada oo kiisaska coronavirus ee Mareykanka ay sii kordhayaan." https://www.bbc.com/somali/war-55097550 +health Coronavirus: Dhakhaatiir hawlgab ah oo laga codsaday inay soo gurmadaan Waaxda daryeelka caafimaadka UK ayaa waraaqo u dirtay in ka badan 65,000 oo dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal howlgab noqday, iyadoo ka codsaneysa inay ku soo laabtaan shaqada si ay uga qeyb qaataan la dagaallanka fayraska corona. Dhanka kale, dowladda ayaa codsatay in dhammaan isbitaallada la geeyo qalabka loogu talogalay la dagaallanka cudurkaasi. Dalka UK, 144 qof ayaa fayraska Corona u dhintay, halka 3,269 oo qofka laga helay xanuunka Covid-19. Dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha sare ee saddexdii sano ee ugu dambeysay ka tegay waaxda daryeelka caafimaadka UK ee NHS ayaa loogu baaqay inay is soo diwaangeliyaan si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro fayraska Corona. Ardayda caafimaadka barata ee ku jirta sanadkoodii ugu dambeeyay ee jaamcadda ayaa sidoo kale laga yaabaa in la siiyo shaqo ku meel gaar ah. Iyadoo fayraska Corona uu saameyn ku yeeshay nolosha bulshada UK, ayaa shirkado badan waxay cabsi ka qabaan inay musallafaan, taas oo horseedeysa in kumannaan qof ay shaqadooda ku waayaan. Mid ka mid ah waxyaabaha la soo jeediyay ee haatan laga wada xaajoonayo ayaa ah in UK ay ku dayato dalalka sida Denmark, oo ay dowladuhu ballan qaadeen inay muddo saddex bilood ah bixin doonaan 75% mushaarka shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay, haddii ay shirkadahaasi ballan qaadaan inaysan shaqaalaha cayrin. Maxaad ka taqaannaa dhakhtarka Soomaaliga ah ee dagaalka Corona ka wada Talyaaniga? Canada oo dalkeeda ka mamnuucday ajaaniib badan Cudurka Corona oo saameeyay hawlaha shirkadda Twitter Iskuullada UK ayaa xirnaan doona laga bilaabo maanta, marka laga reebo kuwa lagu xannaaneeyo carruurta shaqaalaha ku hawlan la dagaallanka fayraska iyo carruurta baahiyaha gaarka ah qaba. Shaqaalaha mudnaanta gaarka ah la siiyay ee liiska dowladda ku jira waxaa ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, kuwa waxbarashada, booliiska iyo dadka soo saara cuntada iyo qalabka caafimaadka. Carruurta shaqaalahaas ayaa loo oggolaaday inay aadaan iskuulka, balse waxay dowladdu ka codsatay waaliddiinta inay carruurtooda guryaha ku hayaan marka ay suurtogal tahay. Xoghayaha caafimaadka dalkaas Matt Hancock ayaa codsaday in qalab ku filan la siiyo shaqaalaha caafimaadka, kaddib markii walaac laga muujiyay khatarta ay ku jiraan shaqaalaha la dagaallamaya fayraska Corona. Hancock oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dowladda UK ay keentay 2.6 milyan oo maaskarada wejiga ah iyo 10,000 oo dhalo oo dawada jeerkiska disha ah. Farriin ay shalay bulshada dalkaasi u dirtay, ayaa waxay Boqoraddu ugu baaqday dadka inay isugu yimaadaan waxyaabaha waxtarka u leh. Waxay ammaantay shaqada ay hayaan saynisyahannada, shaqaalaha caafimaadka iyo gargaarka, waxayse intaas ku dartay in qof walba uu leeyahay door muhiim ah. Hadalka Boqoradda ayaa yimid waxyar kaddib markii Ra`iisul Wasaaraha dalkaas, Boris Johnson, uu shir jaraa`id oo uu qabtay ku sheegay in UK aysan muddo 12 toddobaad ah wax uga qaban karin fayraska Corona. Mr Johnson ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah dadka ku nool caasimadda London aysan u hoggaansamin amarka dowladda ee ah inay bulshadu kala fogaato, wuxuuna sheegay in haddii loo baahdo si qasab ah loo dhaqan gelin doono awaamiirtaas. Isku-dayga soo saaridda tallaalka coronavirus ayaa bilaaban doona bisha soo socota, sida ays heegtay Waaxda Caafimaadka Bulshada UK. Bankiga England ayaa dhimay lacagta dulsaarka oo ahayd 0.25% kana dhigay 0.1% - waana heerkii ugu hoseeyay taariikhda. https://www.bbc.com/somali/51973293 +technology """Beentii aan facebook ku qoray ayaa sababtay in la i xiro""" "Michael Lane Brandin wuxuu bartiisa Facebook soo dhigay qoraallo markii hore uusan ka fileyn inay horseedi karaan in la xiro balse markii dambe wuxuu ogaaday in natiijada ka dhalatay arrintaas ay ahayd in la xiro, in shaqadiisa uu waayo iyo inuu wajaho dacwad. Wuxuu ku nool yahay gobolka Texas ee dalka Mareykanka, wuxuu bartiisa kusoo qoray in laga helay cudurka coronavirus isla markaana dhakhaatiirta ay ku yiraahdeen in cudurka uu hadda yahay mid hawada ka dhalanaya. Warkan oo been abuur ahaa ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada, wuxuuna gaaray inta badan dadka ku nool magaalada uu ka daggan yahay gobolka Texas. Laakiin isagu wuxuu sheegay inuu sameynayay cili baaris uu ku ogaanayo sida ay dadka uga falcelinayaan arrintan. ""Dad ayaa kasoo jawaabay qoraalka, qaar kamid ah asxaabteyda ayaa iisoo weydiyay xaaladdeyda caafimaad, marka waxaan ku yiri 'waa war been ah"", ayuu yiri Michael Lane Brandin. Booliska ayaa soo wacay Michael Lane Brandin, waxayna u sheegeen inuu wax ka baddalo qoraalka uu soo dhigay Faceboob isla markaana uu ku caddeeyo inuu sameynayay daraasad, wuxuu markiiba wax ka baddalay qoraalka. Waxaa sii faafay wararka been abuurka ah, taliyaha sharciga degmada Tyler ee gobolka Texas ayaa amar ku bixiyay in lasoo xiro Michael Lane Brandin maadama uu galay dambi ah inuu baahiyay warar been abuur ah. ""Waxay igu yiraahdeen kusii jir xabsiga marka waa in aan sugaa maalinka xigta ee uu soo fariisanayo garsooraha, welwel ayaan dareemaya"", ayuu yiri. Brandin haatan waxaa uu ku sugan yahay gurigiisa, waxaa uu sugaya dhageysiga dacwaddiisa. ""Waxaan jaamacadda ka qaatay shahaadada koowaad ee culuumta saxaafadda, waxaan u sameeyay arrintaas in aan eego sida qof kasta uu qoraal ugu soo bandhigi karo baraha bulshada isla markaana u horseedi karo cabsi, waxaan doonayay in aan caddeeyo inay muhiim tahay in dadka wax la baro si ay u sameystaan daraasad gaar u ah ka hor inta aysan u maleyn waxkasta oo lasoo qoray ama ay maqleen inuu yahay run"". ""Qoraalka aan soo dhigay Facebook, wuxuu ii horseeday in aan waayo shaqadeyda...mana billaabi karo waxbarashadeyda jaamacadda ee heerka labaad maadam aan lacag heysan.. waxay arrintani qoyskeyga ku keentay culeys dhaqaale iyagoo horayba ula daalaa dhacayay inay iga caawiyaan nolosheyda"". Mareykanka kaliya ah ma aha meelaha dadka loo xiray in baraha bulshada ay ku faafinayeen wararka been abuurka ah ee ku saabsan feyraska. Dalalka lagu xir xiray dadka baahinayay wararka been abuurka ah waxaa kamid ah Hindiya, Morocco, Thailand, Kenya, Cambodia, Itoobiya, Singapore, Botswana, Russia iyo Koonfur Afrika. Dhanka kale, Dadka dusha kala socda xuquuqul insaanka waxay noo sheegeen inay ka walaacsan yihiin tallaabooyinka xad dhaafka ah ee ka dhanka ah dadka dhaleeceeyay dadaallada dowladaha ay kaga hortagayaan feyraska. Kenya, Robert Alai oo u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka waxaa lagu sii daayay dammaanad, waxaana uu wajahi karaa 10 sanno oo xarig ah kaddib markii uu Twiitter-ka kusoo qoray warar ku saabsan feyraska. Robert Alai ayaa markii hore 3 habeen ku baryay xabsi, waxaa loo heystay warar ah in lagu soo wargeliyay in cudurka uu ka dilaacay magaalada dekedda leh ee Mombasa. Sida ay sheegeen saraakiisha waxaa loo heystay inuu ku xaadgudbay sharciga la dagaallanka dambiyada Internetka. Robert Alai waa nin caan ka ah Kenya, waxaana bartiisa Twitter-ka ku xiran in ka badan hal malyan oo qof. BBC oo la hadashay booliska wax jawaab ah kama aysan bixin xiriddan ninkan balse waxay Twitter-ka kusoo qoreen kiisaska loo heysto ka hor xiritaankiisa. Agaasmaha waaxda dambi baarista ee Kenya wuxuu sheegay in nin lagu xiray magaalada Mwingi kaddib markii 'uu daabacay warar marin habaabin ah oo ku saabsan coronavirus"" waxaana lagu dacweynayaa wararka been abuurka ah ee cabsida horseedaya. Mas'uuliyiinta Kenya waxay shacabka ka codsadeen inay iska ilaaliyaan in baraha bulshada lagu baahiyo wararka been abuurka ah ee ku saabsan cudurka. Robert Alai ayaa ku andacdooday in wararka uu kusoo qoray Twitter-ka ay yihiin kuwo run ah isla markaana uusan jebin sharciga, balse BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto arrintaas. Haddii lagu helo wax dambi ah, Alai wuxuu wajahaya ganaax dhan 47,000 oo doolar ama 10 sanno oo xarig ah. Hindiya waxaa lagu xiray nin lagu magacaabo Sikandar Ali kaddib markii uu barta Twitter-ka ku qoray sidatan: ""Waxaan isku dayay in aan booliska iyo maamulka ku wargeliyo bukaan looga shakisan yahay inuu ku dhacay xanuunka Covid-19"". ""Waxaan Twitter-ka ku qoray farrimaha noocaas ah balse booliska aniga ayay xabsiga ii taxaabeen, waxay igu yiraahdeen waxaad abuurtay cabsi, ma filayo in aan wax khalad ah galay, waxaan rumeysanahay in booliska ay qaadeen tallaabo aanan looga baahneyn. Xaaladda waxay booliska siisay fursad ah in awood ay yeeshaan"". Sikandar Ali wuxuu wajahi karaa 3 sanno oo xarig ah. Waa nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha siyaadda ee dalkaas, waxaana qeyb ahaan xiritaankiisa lala xiriirinaya dadka kasoo horjeeda siyaasaddiisa ee ka tirsan dowladda hoose. Laakiin booliska way beeniyeen eedeymahaas. Taliyaha booliska Odisha ee dalka Hindiya wuxuu sheegay inuu ku dadaalayo sidii uu ku joojin lahaa wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada. Ha'yadda Caafimaadka ee Adduunka waxay sheegtay in wararka ku saabsan safmarka ay qabsadeen baraha bulshada isla markaana dowladaha caalamka ay la dagaallamayaan. Toddobaadkii lasoo dhaafay, Ha'yadda xuququul insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in safmarka uu yahay mid halis ah loona baahan yahay marka lala tacaalayo xakameyntiisa in la xaddidi karo xuquuqda qaar. Si kastaba, Ha'yadda waxay ka walaacsan tahay in booliska iyo dowladaha qaar ay adeegsanayaan awood taas oo wiiqeysa xoriyatul qowlka xilliyada bandowga. Warbixinta Human Rights Watch waxaa lagu yiri: ""Dalalka qaar, dowladaha waxay ku guuldarreysteen inay ilaaliyaan xorriyatul qowlka iyo tallaabooyinka ay ka qaadayaan weriyeyaasha iyo howlwadeenada caafimaadka"". Warbixinta waxaa sidoo kale lagu xusay Li Wenliang oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgaleysay isbitaalka guud ee magaalada Wuhan, wuxuuna digniinta ku saabsan cudurkan saaxiibadiisa shaqada u diray 30-kii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay. Booliska ayaa markaas ka dib ugu tagay gurigiisa waxayna ku amreen inuu joojiyo digniintaas, maadaama ay mas'uuliyiintu doonayeen in la qariyo warka ku saabsan caabuqaas cusub." https://www.bbc.com/somali/war-52381705 +politics Awoodda Ciidamada: Wax ka ogow shan diyaarad militari oo ah kuwa ugu halista badan adduunka Inta badan militariga adduunka waxay gaareen horumar lagu sameyanayay diyaaradaha dagaalka ee khumaatiga u kaca, tan iyo 1940-meeyadii, inkasta oo sanadihii 1960-maadkii la bilaabay in horumar weyn laga gaaro sameynta diyaraadaha noocan ah, ka dib dabayaaqadii xilliggii uu dhacay dagaalkii qaboobaa. Waxaa adag in la sameeyo diyaaradahan militariga, waana qaali marka ay timaaddo hagaajintooda, waana sababta ugu wacan in militariga ugu awoodda badan adduunka uu heysto diyaarado yar oo noocan ah, gaar ahaan kuwa dagaalka. Diyaaradaha dagaalka ee wax weerara, ayaa la arkay markii ugu horreysay xilliggii howlgalkii midowgii Soofiyeet uu ka fuliyay Afghanistan. Sidoo kale diyaradahan dagaalka waxaa isku adeegsaday dhinacyadii isku hayay dagaalkii Ciraaq iyo Iran. Diyaaradaha waa kuwa muhiim ah oo saameyn weyn ku leh dagaallada, waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa shanta diyaaradood ee militari ee ugu halista badan, uguna awoodda badan adduunka, sida laga soo xigtay jariiradda The Military Watch Magazine. Waxay ka mid tahay diyaaradda militari ee ugu awoodda badan adduunka ee abid la sameeyay, tan iyo dagaalkii qaboobaa, sameynta diyaaradda Ka-52 waxay bilaabatay sannadkii 2008. Ciidamada Ruushka ayaa heysto ku dhawaad 155 ka mid ah diyaaraddan. Waana diyaarad qaali ah marka la barbardhigo diyaaradaha kale ee ay heystaan militariga Ruushka. Shirkadaha soo saara diyaaraddan waxay xakameeyaan iibgeyntooda. Dalka Masar ayaa heysto nooc ka mid ah diyaaraddan oo lagu magacaabo Ka-46. Waxay diyaaraddan awood u leedahay in ay xambaarto hubka Kh-31 oo gaari karo masaafo ka badan 1300km. Diyaaradda Mi-28 waxay ka mid tahay kuwa uu soo saaro Ruushka ee qaaliga ah. Diyaaraddan waxay shaqeyneysay tan iyo sannadkii 2009. Dalalka laga iibiyay waxaa ka mid ah Algeria iyo Ciraaq. Diyaaraddan waxay u muuqataa mid ka wanaagsan diyaaradda Apache ee uu leeyahay Mareykanka, taas oo tayo ahaan u dhaw diyaaraddan Mi-28. Mi-28NM, nooc ka mid ah diyaaraddan ayaa sannadkii 2017, howlgal ka fulisay dalka Suuriya, waana diyaarad tayadeeda loo bogay. Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa saxiixday heshiis ku saabsan in tirada diyaaraddan la gaarsiiyo 98 marka la gaaro sannadka 2027. Ka dib markii uu Mareykanka sameystay diyaaraddan AH-64, sannadkii 1975, waxay soo martay marxalado kala duwan, intii aysan howlgelin, 11 sano ka dib. Diyaaraddan waxaa markii hore loo sameeyay in ay ka hortagto taangiyada dagaalka ee cadowga. Waxaana la sheegay in diyaaraddan ay qaaddo hubka awoodda badan, ayna ka awood badan tahay diyaaradda dagaal ee nooca loo yaqaano AH-1 Cobra. Diyaaradda waxay si rasmi ah u howlgashay sannadkii 1972. Mi-24P / Mi-35 Hind waxaa lagu tilmaamaa diyaarad aad looga cabsanayay, tan iyo dagaalkii qaboobaa ee adduunka, waxaana la xaqiijiyay in howlgallo badan ay ka qeyb qaadan karto. Inkasta oo la sameeyay ka dib dagaalkii qaboobaa, waxay awood ahaan ka hooseysaa diyaaradda Apache, balse waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah diyaaradaha militari ee ugu waanaagsan adduunka, iyadoo la ogaaday in duqeymo culus ay fulin karto, gaar ahaan duqeyntii ay diyaaraddan Mi-24P ku qaaday mucaaradka Suuriya, waana diyaarad aad looga jecel yahay adduunka. Diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha waa kuwa aan tayo badan lahayn, marka la barbardhigo kuwa Ruushka iyo Mareykanka. Diyaaradda Z-10M ma lahan naqashado casri ah, marka la dhinac-dhigo kuwa Ruushka oo sanadihii ugu dambeeyay casriyeyn xooggan lagu sameeyay. Waxyaabaha ay diyaaraddan dheer tahay diyaaradaha kale ee dagaalka waxaa ka mid ah in si fudud lagu hagaajin karo mar haddii ay cilad la soo deristo. Marka ay howlgaleyso waxaa ku baxayo qararsh yar, waana diyaarad la heli karo maadamada tirada la sameeyay ay aad u badan yihiin. https://www.bbc.com/somali/war-58970144 +religion Maxay Diinta iyo Isirka u hareeyeen doorashada UK? "Jimcihii la soo dhaafay ayaa ra'iisalwasaaraha Britian Boris Johnson wuxuu ku hakaday foorno ay leeyihiin dad Yuhuud ah halkaas oo warbaahinta uu kula hadlay xilli ololaha doorashada guud ee dalkaasi uu marayay meel xasaasi ah. ""Waa in aad ninkaas naga badbaadisaan,"" ayuu yiri mid ka mid ah dadkii halkaa joogay, wuxuuna ula jeeday hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Labour, Jeremy Corbyn. ""Haddii kale, dhammaantayada waanu isga bexeynaa waddankan,"" ayuu sii raaciyay nin kale. Sannaddo yar ka hor, way adkeyd in Ra'iisalwasaare British ah - gar ahaan mid dhawaan uun ay golaha muslimiinta Britain ku eedeeyeen in uu iska indhatirayo isla markaana uu beeninayo inuu jiro nacaybka ka dhanka ah muslimiinta - uu doorbido in arrinta diinta uu udub dhexaad uga dhigo ololihiisa doorashada. Balse muran dhanka diimaha ah gaar ahaan tan Yuhuudda, Islaamka iyo Hinduuga ayaa hadda hareeyay siyaasadda dalkaasi Britain. Marka arrinta laga eego dhanka dadka ""balaayo sheegga ah"", way adag tahay amaba suurtagal ma ahan in Boris Johnson oo ah hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka ah in uu taageero codeed weydiisto dadka Yuhuudda, sidaa awgeedna uu ugu hakaday foornadaas. Dadka Yuhuudda ah waxay tiro ahaan yihiin 0.5% marka loo eego guud ee dadka ku nool Britain, waxaana iska cad in aysan wax weyn ka badali karin tartanka doorashada oo musharrixiintu ay aad isugu dhow yihiin. Laakiin, waxaa sidoo kale wax weyn ah in dad Yuhuud ay u codeeyaan xisbiga Conservative-ka ee hadda talada haya, iyaga oo ka cararaya xisbiga mucaaradka ee Labour-ka oo in badan loo arkayay in uu yahay xisbiga kaliya ee la dagaallamaya cunsuriyadda isla markaana bulshooyiinka laga tirada badan yahay ay inbadan taageeri jireen. Sidaa awgeed, eedeymaha dhawaan soo baxay ee ah in hoggaanka sare ee xisbigaasi iyo xubnaha kale ee xisbigu ay qabaan afkaar Yuhuud nacayb ah ayaa sumcad darro ku ah xisbigaas. Markii Jeremy Corbyn uu sannadkii 2015 la wareegay hoggaanka xisbiga mucaaradka ah wuxuu noqday hoggaamiyaha aadka ugu janjeera garabka bidix ee soo mara taariikhda dalka Britain. Iyadoo markii horeba xisbiga shaqaalaha (Labour-ka) uu u janjeeray dhanka qaddiyadda Falasdhiyiniinta isla markaana uu aad uga soo horjeeday saameynta bulshadu ku leeyihiin shirkadaha ganacsi ee waaweyn, haddana waxay afkaarta xisbigan sii fogaatay intii uu majaraha u hayay Jeremy Corbyn. Waxaan markiiba dood laga keenay in dhaliisha xubnaha xisbigaas ay u soo jeedinayeen Israa'iil ay markii dambe u xuub siibteen Yuhuud nacayb iyo in weerarradooda ka dhanka ah shirkadaha ganacsi ay tahay mid loola jeedo dadka Yuhuudda ah ee baannanka dalkaasi maamulo. Arrimahaasi oo dhan markii ay isbiirsadeen waxaa aad u yaraatay taageerada dadyowga Yuhuudda ah ay u hayaan xisbigaasi uu hoggaamiyo Jeremy Corbyn. Ka hor doorashadii sannadkii 2015-kii ee Jeremy Corbyn uu kula wareegay hoggaanka xisbigaasi, waxaa xisbigani hoggaamin jiray Ed Miliband oo asal ahaan Yuhuud ah, waxaana taageerada dadyowga Yuhuudda ee xisbigaasi lagu qiyaasayay 22%, balse taas waxay meesha ka baxday doorashadii 2017-kii waxayna gaartay 13%, haddana waxay mareysaa boqolkiiba 6%. Hoos u dhacaas ayaa loo aaneynayaa hoggaanka Jeremy Corby. Guddiga sinnaanta iyo xaquuqul insaanka Britain ayaa xisbigaasi Labour-ka ku billaabay baaritaan rasmi ah ka dib markii ay cabasho ka soo gaartay kooxaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha Yuhuuda. Corbyn ayaa shakhsiyan dhawr jeer cambaareeyay dadka ay ku fogaatay afkaarta Yuhuud naceybka, wuxuuna raalligelin ka bixiyay in xisbigiisa uu tallaabo ka qaadi waayay shakhsiyaadka lagu tuhmayo in ay Yuhuuda naceb yihiin. Sidaa awgeed, wuxuu baaritaanka arrintaas u saaray guddi madax-bannaan oo xaqiiqo raadin ah. Inkastoo taageero la'aanta Yuhuudda aysan shaki gelinayn rajada uu xisbigani ka qabo doorashadan dhici doonta beri oo khamiis ah, haddana xaqiiqada ayaa ah in ay dhibaato ka soo gaareyso in lagu eedeeyo in uu necebyahay dadka Yuhuudda ah. Ninka si weyn ula tartamayo Corbyn oo ah hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka isla markaana ah ra'iisalwasaaraha hadda ee Britain, Boris Johnson, ayaa sidoo kale waxaa ololahiisa doorashada hareysay eedeymo ay u soo jeedinayaan bulshooyinka diimaha laga tirada badan yahay - tusaale ahaan bulshada Muslimka ah ee Britain oo tiro ahaan gaaraya 5% ee guud bulshada dalkaasi. Bishii la soo dhaafay, waxay golaha Muslimiinta Britain ku eedeeyeen xisbigiisa in uu ""aad ugu dul qaato Islaam nacaybka, sahlayna in arrintaas ay ku faafto bulshada dhexdeeda isla markaana uu ku guuldareystay in uu dejiyo qaab wanaagsan oo arrintan looga cirib tirayo bulshada dhexdeeda."" Johnson ayaa shakhsiyaddiisa mar lagu eedeeyay in uu ""u gafay"" Islaamka. Waxa ayna ahayd dhambaal uu qoray, kaa oo uu ku dhaliilay dharka dumarka Muslimiinta jirkooga iyo wajigooga ku daboolaan, wuxuuna ku tilmaamay ""mid cabburin ah"". Wuxuuna sheegay in dumarka dharkaasi ku lebbista ay u muuqaal egyihiin ""tuugada bangiyada dhaca"" ama xitaa sanaadiiqda lagu rido waraaqaha. Maqaal kale ayuu sidoo kale uga hadlay arrimo lid ku ah Islaamka. Ra'iisalwasaare Johnson ayaa raalligelin ka bixiyay ""wax kastaa oo dhib ah"" oo ka dhashay Islaam nacaybka ee xisbigiisa lagu eedeeyay, wuxuuna ballanqaaday in uu sameynayo guddi baaritaan oo arrintaasi soo eego ka hor ciidda Masiixiga ee dhammaadka bishan. Inkastoo Muslimiintu aysan aad u taageerin xisbigiisa muxaafidka, ayna boqolkiiba 87% Muslimiinta dalkaasi ay sannadkii 2017 u codeeyeen xisbiga Labour-ka, haddana waxaa ciriir sii galaya tirada yar ee xisbigan uu hoggaamiyo Johnson uu ka helay Muslimiinta. Barta intarneedka ee wargeyska Buzzfeed ayaa shaaciyay war sheegayay in guddiga umuuraha Islaamka ee dalka Britain oo xaruntiisu tahay London uu farriimo Whatsapp-ka ugu dirayay Muslimiinta, kuwaa oo loogu baaqayay in aysan u codeyn musharrixiinta xisbiga muxaafidka ee uu hoggaamiyo Boris Johnson, kaas oo ay ku sheegeen in uu ""aad u soo dhaweeyo Islaam nacaybka isla markaana aad uu u taageero Israa'iil iyo tacaddiyada ra'iisalwasaaraha India Narendra Modi uu ku hayo dadka Kashmir."" Farriimahaasi ayaa aad loo dhaliilay waxaana lagu sheegay in ay bulshada dalkaasi kala qeybinayaan isla markaana ay lid ku yihiin shuruucda doorashooyinka iyo ilaalinta xogta shakhsiga. Golaha Muslimiinta waxay dhankooda sheegeen in aan fursad loo siin in uu ka jawaabo eedeymahaasi laguna saleynayo qaabka ay Muslimiintu xisbiyada u kala doortaan. Balse golahan oo kaliya ma ahan kuwa lagu haysto in ay sameysteen madal Whatsapp-ka ah oo ay ka ololeeyaan. Inakstoo dadyowga Yuhuudda iyo Muslimiinta ahi aysan sidaa isu badalayn taageeradooda codbixineed, haddana dadyowga Hinduuga ahi ayaa aad ugu xeel dheer arrintaasi. Sida bulshooyinka kale ee laga tirada badan yahay, ayaa dadyowga Hinduuga ahi waxay waligood taageeri jireen xisbiga Labour-ka, balse waxay haatan u muuqdaan in ay u wareegeen dhanka xisbiga muxaafidka, waxa ayna wadaan olole ballaaran oo ay taageero ugu muuhinayaan xisbigaasi. Balse laga soo billaabo sanadkii 2010 ilaa 2017, waxaa 40% gaaray taageerada dadyowgaasi Hinduuga ahi oo horey u ahayd 30%, waxaana la filayaa in ay intaa ka sii badato. Koox isku magacowdo saaxibbada dibadda ee India oo aad u taageerta xisbiga haya talada dalka India ee BJP oo la hadlaysay wargeyska Times of India, ayaa waxa sheegtay in ay la shaqeynayaan musharrixiinta xisbiga muxaafidka si dadka Hinduuga ahi ee ku nool Britain ay uga dhaadhicin lahaayeen in aysan u coden xisbiga Labour-ka. Arrintaasi ayaa ka dhalatay mowqifka xisbiga Labour-ka uu ka istaagay qaabka dowladda India ay u maareynayso arrinta Kashmiir iyo dhaliisha uu xisbigaasi u jeediyay dowladda dalkaasi. Farriin la isugu dirayay dhanka Whatsapp-ka oo markii hore loogu tala galay olole kale ayaa haatan waxaa loo dirayaa dadka Hinduuga ahi eek u nool guud ahaan dalka Britain, waxana dadka loo sheegayaa in xisbiga Labour-ka uu si ""indho la'aan ah u taageero ololaha been abuurka ah ee dalka Pakistan"", sidaa awgeedna ay tahay in ay u codeeyaan xisbiga muxaafidka ee la tartamayo. Siyaasiinta xisbiga Labour-ka ayaa dhaliilay farriimahaasi, waxaana ay dadka uga digayeen in aysan ""ku gadmin ama ku dhicin dabinka kooxo diimeedyada asal raaca ahi ee ay dadka ku kala qeybinayaan "". Balse waxay sidoo kale doonayaan in ay dib u wanaajiyaan xiriirka kala dhexeeya xisbiga BJP ee dalkaasi India oo ay saameysay arrinta Kashmiir. Doorashadan dalka UK ayaa durbaba loo arkaa mid aad loogu kala qeybsan yahay, xilli waddanka uu ku kala qeybsan yahay arrinta ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, taa oo ku saleysan goorta iyo qaabka ay tahay in looga abxo midowgaasi. Waxaa horraan nadir ahayd in arrinta diimaha lagu soo qaado ama lagu ololeeyo doorashooyinka dalkaasi UK balse haatan waxay u muuqataa in diintu ay door weyn oo kala qeybin ah ay ku leedahay doorashadan berry dhici doonta." https://www.bbc.com/somali/war-50739292 +politics Markabka dagaal ee USS Coll oo mar kale dib ugu soo laabmay Khaliijka Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka S Lloyd Austin ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu gayn doono diyaaradaha dagaal oo casri ah wadanka Imaaraadka Carabta, oo ay ku sii kordhayaan weerarada gantaalada ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Kooxda Xuutiyiinta ayaa muddo toddobaadyo ah waxa ay gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku garaacayeen Imaraadka. Mareykanka ayaa sidoo kale Imaaraadka siin doona qalabka bixiya digniinta marka ay weeraro ku soo fool leeyihiin. Mareykanka ayaa Imaaraadka u diri doona markabka wax burburiya ee USS Cole si uu ula shaqeeyo ciidamada badda ee Imaaraadka loogana hortago weerarada lagu bartilmaameedsanayo wadamada Khaliijka,. Dowladda Mareykanka ayaa ciidammo ku dhawaad ​​2,000 oo askari ay kaga sugan yihiin saldhiga ciidamada cirka ee Al Dhafra. Wasaarada gaashaandhiga Mareykanka ayaa waxaa saldhigaasi ay geeysay hubka casriga ah sida diyaaradaha F-35, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, nidaamka difaaca hawada iyo hababka ka hortagga gantaalada. Markabkan USS Cole ayaa taariikh dheer ku leh dalalka Carabta iyo guud ahaan dalalka ku yaalla Khaliijka. Bishii October 12, 2000, markabkan USS Cole oo ku soo xirtay dekedda Cadan ayaa waxaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday labo nin oo isa soo miidaamiyay. Qaraxan oo ahaa mid aad u weyn ayaa waxa uu duleyl weyn ku reebay markabka, balse waa uu ku guuldareystay in uu la dego. Dayactirka Markabka waxay qaadatay wax ka yar hal sano, waxaana kharashka ku baxay lagu qiyaasay rubac bilyan doolar. 17 ka mid ah badmaaxiinta Mareykanka ayaa lagu dilay weerarka, waxaana lagu dhaawacay 39 kale, waxaana mas'uuliyadiisa sheegatay Al-Qaacida. Dowladda Yemen ayaa markii hore sheegtay in qaraxa uu ka dhacay gudaha Markabka , balse laba maalmood ka dib waxa ay qiratay in loo geystay weerar argagixiso. Maalmo ka dib, saraakiil ka tirsan FBI-da ayaa gaaray Yemen si ay baaritaanno ugu sameeyaan, wax yar kaddibna dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Al-Qaacida inay ka dambeysay weerarkaas, waxayna soo bandhigtay magacyada tiro dad ah oo looga shakisnaa. Maamulka Yemen ayaa xiray Cabdil Raxman al-Badawi iyo Fahd al-Qasaa doorkii ay ku lahaayeen weerarka. Dhismaha Markabkani ah kuwa wax burburiya ayaa la dhameeyay 1994-kii wuxuuna si buuxda u howlgalay 1996-kii. Dhererka Markabkan: 154 mitir, ballaciisuna waa 20.4 miti. Miisaanka Markabkan ayaa waxaa lagu sheegay 8300 oo tan islamarkana waa markab xawara aad u dheer ku socda. Markabkan ayaa waxaa ku xiran hub casri ah gantaalada riddada dheer sida gantaalada Tomahawk ee baalasha leh, gantaalada lidka maraakiibta, madfac 127 mm ah iyo laba qori oo kuwa darandooriga u dhaca ah. Lacagta ku baxday dhismaha iyo sameynta Markabkani USS Coll ayaa ah lacag ka badan $789 milyan. https://www.bbc.com/somali/war-60239863 +politics Paul Auster: Mareykanku waxa uu u dhaxeeyaa inta jecel Trump iyo inta aan jeclayn """Waxay ila tahay in haddii afar sano oo kale ay xaaladdan ay sii socoto, in aanay waxba hari doonin. Waxba ma hari doonaan,"" ayuu yiri Paul Auster. ""Waxaynu noqonaynaa dal uu maamulo kaligiitalis uu hago."" Qoraaga buugaagta uu qoray waxaa ka mid ah, The New York Trilogy, Moon Palace iyo midkii ugu dambeeyay ee 4321, wuxuuna la hadlay la hadlay BBC News Mundo. Wuxuu madaxtinimada Donald Trump u arkaa in ay halis ku tahay dimuqraadiyadda Mareykanka, wuxuuna si xooggan ugu ololaynayaa inaan Trump dib loogu dooran xilka. ""Dalkayagu aad ayuu u kala qeybsanyahay, waxaana ku sii badanaya naceyb ay dadku isku qabaan,"" ayuu yiri qoraaga. ""Waxay u muuqataa inaan labo u kala jabannahay: kuwa jecel Tump iyo kuwa aan jeclayn."" Wareysiga laga qaaday qoraaga ayaa lagu soo koobay qoraalkan. Magaalada New York wax badan ayaad ku sheegtay buugaagtaada. Marka sideed hadda u aragtaa magaaladaas iyo isbadelka ku dhacay cudurkan safmarka ah kaddib kaas oo si weyn u saameeyay magaalada? New York taariikh wayn ayey leedahay. Cudurro safmar ah ayaa ina soo maray iyo musiibooyin badan: Dagaal Sokeeye, xasuuq, weerraradii 9/11… iyo hergabkii 1918. Cudurkanna waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinkaas magaalada soo maray. In mudda ahba, New York waxay aheyd meeshii ugu xumeyd caalamka markii la fiiriyo fayraska korona. Hasayeeshee si wanaagsan ayaan u maaraynay, waxaanan oran lahaa, waxaynu ka wanaagsanayn qeyba badan oo dalka ah. Si aayar ah, New York dib ayey markale u furmeysaa. Waxaa aadka u xun waa waxa ka dhacay gudaha dalka. Dhibaatada rasmiga ah waxay tahay cidda madaxweynaha inoo ah, iyo dadka ka tirsan xisbigiisa ee ku loolamaya inuu wajaho xaalad degdeg ah oo qaran isagoo aan haysan siyaasad qaran. Wax dan ah kama laha dhimashada dadka ka badan 170,000 ee qof ee cudurka illaa hadda uu dilay, iyo malaayiinta iyo malaayiinta qof ee uu cudurku ku dhacay. Taasi waa waxa aan aadka uga walaacsanahay. Taasi waa dhab! 9/11 waxa ay aheyd weerrar maalin qura dhacay, kaddibna waxa ay nagu qaadatay in aan bilooyin soo kabsanno. Arrintaas ma soo laaban. Hasayeeshee bal ka warran haddii 9/11 ay maalinwalba dhacayso, haddaba markaas dhibaato joogto ah ayaad ku jireysaa. Sidaasna waa waxa halkan ka dhacay. Bishii Abriil markii cudurka uu ugu darnaa, waxaa maalintii New York ku dhimanayay 700 ilaa 900 oo qof. Tiradaas aad ayey u badan tahay. Tirada rasmiga ah ee dadka cudurka uu ku dhacay waxa ay ka yareed midda dhabta ah ee jirtay. Dabcan waa sidaas! Siri iyo aniga waxaynu ka tirsannahay koox aynu sameynay oo lagu magacaabo ""qoraayaasha ka soo horjeeda Trump"" (writersagainsttrump.org). Yoolkayagu waa da'yarta in aan ku qancinno, gaar ahaan kuwa aan doonayn in ay codeeyaan, inay maskaxdooda badalaan oo ay codeeyaan. Shaqadeennu waa inaynu sameyno waxkasta ee aan awoodno, haddii aynu qoraa nahay iyo haddii kalaba, si aynu u xaqiijinno in Trump aanan dib loo soo dooran. Kaddib 3 Nofeembar, [iyadoo aynu ka warsugayno codka lagu dhiibto boostada in la tirin doono], muddo bil ama laba ah ayaa inaga xigta doorasho taariikhi ah oo qulqulatooyin laga cabsi qabo, taas oo ah middii ugu horraysay ee sidaas ay dhacdo, tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Sokeeye. Hubaashii halis ayeynu ku jirnaa! Afartii sano ee la soo dhaafay, Trump iyo maamulka Jamhuuriga waxay kala furfureen dowladnimadii guud ee Mareykanka. Wakaalad walba oo ay aheyd in ay dalkan hagto ayaa la burburiyay. Hay'adda ilaalisa deegaanka waxa ay meesha ka saartay shuruucdii iyo nidaamkii, marka dowladda waxay dhiiragelineysay wasakhaynta hawada. Waxaa inoo jooga wasiir madax ka ah wasaaradda waxbarashada oo aanan aaminsanayn iskuullada dowladda. Waxaa inoo jooga wasiir madax ka ah wasaaradda shaqaalaha kaas oo ka soo horjeeda danaha dadka shaqaynaya. Wasaaradeenna Arrimaha Dibadda, shaqaale badan ayaanan weli la buuxin boosaskoodii, oo waxaa jira dalal aynaan safiir ku lahayn. Wasaaradeenna Cadaaladda sharcigii ayey ka tallaabsatay waxa ayna noqotay goob ay waxay rabaan ka samaystaan Trump iyo Jamhuuriyiinta. Arrintaas hadda ka hor weligeed kama aanay dhicin Mareykanka. Marka haa, dimuqraadiyadda halis ayey ku jirtaa. Trump waxa uu isku dayayaa inuu baabi'iyo codbixinta. Waxa uu xiri rabaa howlihii Xafiiska Boostada; weliba markii ay aheyd in ay awood badan la haato. Wuu burburiyay sababtoo ah waxa uu doonayaa in codadka boostada lagu dhiibto ay goor dambe soo dhacaan oo aanan la tirinin. Afar sano oo kale oo aynu sidan ku sii jirno, waxa ay ila tahay in aanay waxba inoo harayn. Waxba inoo harimaayaan. Waxaannu noqonaynaa dal kaligii taliye uu maamulo, arrintaas oo aanay afar sano ka hor cidina ku fakarayn inay dhici karto. Balse halkaas ayaannu si degdeg ah ugu wajahannahay." https://www.bbc.com/somali/war-54053904 +politics Sababtii ka dambeysay inuu Ruushka soo rido diyaaraddii rakaabka oo ay saarnaayeen 269 qof Habeennimadii 31-ka August 1983-kii garoonka caalamiga ah ee John F.Kennedy oo ku yaalla magaalada New York waxaa ka kicitintay diyarad rakaab ah oo Kuuriyada Koonfureed laga leeyahay oo ay saarnaayeen 269 qof oo rakaab ah. Diyaaraddaasi oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Kuuriyada Koonfureed ee ‘Korean Airlines’ duullimaadkeeduna ahaa KAL-007 kuna socotay magaalada Soul. Diyaaradda inta ay safarkeeda ku jirtay ku sii dagtay garoonka Anchorage ee gobolka Alaska si shidaal gaarsiiyo caasimadda Soul ay halkaasi uga qaadato. Afartii galabnimo marki ay diyaaradda ka kicitintay garoonka Anchorage oo ay hawada gashay duuliyeyaasha diyaaradda waxay xilki ku wareejiyeen ‘Auto Pilot’, oo ah nidaamka duulista diyaaradda iskii u haga oo duuliyaha xilka kala wareega. Balse nasiib darro duuliyeyaashu ma eysan ogeen inuu nidaamka ‘Auto Pilot’ cillad ku timid oo maalintaa uu shaqeyneyn. Diyaaraddii oo ay nidaamki ‘Auto Pilot’ ee hagi lahaa cillad ku timid waxay ka weecatay marinka Soul oo waxay u jaheysatay dhulka Midowgi Soofiyeeti uu maamulayey. Balse Rakaabki waxay diyaaraddi ka maqleen cod dhahaya ‘Mudanayaal iyo Marwooyin 3 saacadood kaddib waxaan caga dhigan doonnaa Gigada diyaaradaha Caalamiga ee Gimpo oo ku yaalla magaalada Soul. Saacadda magaalada Soulna waxay hadda mareysaa 9-ka subaxnimo intaa ka horna waxaan idin siin doonnaa adeegga Qureecda.” Balse nasiib darro diyaaraddaasi ma eheen mid ku dagi kartay Soul maadaamaa ay xaalad murugsan ay dhexda u gashay. 26 daqiiqo kaddib duuliyihi koobaad ee diyaaradda Chun Byung ayaa rakaabki ku amray ‘iney si degdeg ah u xirtaan’ maaskarada Oxygen-ta oo neefsiga qofka ka caawiyo. Diyaarad ay reer galbeedku leeyihiin xadka Midowga Soofiyeet haddii ay ku soo dhawaato waxaa markiba la socon jiray ciidamada cirka USSR maadaamaa ay diyaarado badan uu Mareykanka leeyahay oo wax basaaso ay howla basaasnimo halkaasi ku tagaan. Waxaana xaladda sii xumeysay diyaaradaha wax basaaso uu Maeykanka adeegsado oo intooda badan u eg diyaaradaha rakaabka ee ay shacabku adeegsadaan. Diyaaradda Kuuriya laga leeyahay uu duullimaadkeeduna yahay KAL-007 waddadi saxda ahayd ee looga talo galay iney ku duusha waxay ka soo habaawday ku dhawaad 200km. Markiba taliyaha saldhigga ciidamada cirka Ruushka ee Dlinsk wuxuu amar siiyey laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah si ay diyaaraddaasi wax uga qabtaan. Duuliyihi Midowga Soofiyeti oo waday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka oo lagu magacaabo Gennady Osipovich oo wareysi bixiyey 1988-kii wuxuu sheegay “Duuliyaha diyaaradda rakaabka ee nooceedu ahaa Boeing 747 inuu daaqadda kala hadlay uuna tusay astaanta caalamiga ah ee ay duuliyeyaasha isku afgartaan, waxaanna u sheegay inuu xadka Midowga Soofiyeeti ay diyaaradda soo tallaawday balse nasiib darro dhanka duuliyaha diyaaradda rakaabka duulinayey jawaab uu ka helin, kaddib waajibaadkeygi shaqo ayaan gutay,” ayuu yiri. Ciidamada Midowgi Soofiyeeti waxay sida oo kale sheegeen iney duuliyaha digniino uu fahmi karo siiyeen wax jawaab ah ay dhanka kale ka helin. “Diyaaradda Rakaabka ee Kuuriyada Koonfureed in la soo rido waxaa sabab u ahaa diyaarad Mareykanka oo kuwa wax basaasa ah nooceeduna yahay RC-135 oo xilligaa mareysay meel u dhow halka ay diyaaraddaasi mareysay,” ayuu yiri Valentin Verenikov qoraal uu 1-da January 2013-kii uu kaga hadlay waxa sababay in diyaaraddaasi la soo rido. Ugu dambeynti diyaaradda rakaabka ee ay lahayd Kuuriyada Koonfureed oo ay saarnaayeen 269 qof oo rakaab ah waxaa gantaal ku dhuftay diyaaradaha dagaalka Midowga Soofiyeeti waxaana sidaa ku dhimatay dhamaman rakaabki iyo shaqaalihi diyaaraddaasi saarnaa. Madaxweynaha Mareykanka ee xilligaasi Ronald Regan dhacdadaasi wuxuu ku tilmaamay ‘Xasuuq’ iyo dambiyo laga galay baniaadanimada. Halka hoggaamiyihi Midowgi Soofiyeeti ee xilligaasi Yuri Andropov uu Mareykanka ku eedeeyey diyaarad ay leedahay Kuuriyada Koonfureed iney u adeegsatay howlo basaasnimo. Jasiiradda Sakhalin ee dalka Ruushka dadki ku dhintay diyaaradda ay lahayd Kuuriyada Koonfureed waxaa looga dhisay taallo yar oo magacda rakaabki diyaaradda saarnaa iyo waddamada ay ka soo jeedeen lagu xusay. Rakaabka diyaaraddaasi saarnaa iyo waddamada ay ka soo jeedeen Dadki rakaabka ahaa ee diyaaraddaasi ku dhintay waxay u badnaayeen waddamada Kuuriyada Koofureed (105), Mareykanka (62), Japan (28) Taiwan (23) iyo Philippines (16). Sida oo kale waxay muwaddiniin kaga dhinteen Australia (4), Hong Kong (12), Canada (8), Dominican Republic (1), Hindiya (1), Iran (1), Malaysia (1), Sweden (1), Thailand (5), UK (2) iyo Vietnam (1). https://www.bbc.com/somali/articles/cv2d9qey622o +politics Haweeneyda baddashay taariikhda xuquuqda dadka naafada ah ee Mareykanka "Judy Heumann markii ay jirtay 18 bilood, waxaa ku dhacay cudurka dabeysha, wuxuu cudurka u horseeday inay naafo noqoto. Inta badan nolosheeda waxay adeegsan jirtay baaskiilka dadka naafada ay ku socdaan. Waxay ka hor timid faquuqa iyo dhibaatooyinka lagu hayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxayna markii dambe ka mid noqotay hogaamiyeyaasha u doodo xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Mareykanka. Xitaa waxay mar dacwad la tiigsatay guddiga waxbarashada ee New York si ay usii wadato waxbarashadeeda, waxay sidoo kale dacweysay shirkad diyaaradeed oo u diiday in ay rakaabka ka mid noqoto, waxay taariikh weyn ku leedahay Mareykanka. Waxay lataliye u soo noqotay labo madaxweyne oo Mareykan ka soo taliyay. Sannadkan, markii jariiradda Time Magazine ay soo bandhigtay 100 haween ee taariikhda ka dhigay dunida, waxaa ka mid ahayd Judy iyo Michelle Obama. Wuxuu dadaalkeeda iyo kartideeda u horseeday in loogu magaca ""Chingona"" oo micneheedu yahay ""Haweeney awood leh"". ereygaas waa luqadda Mexican Spanish ah, waxaana ugu yeeri jiray seygeeda. Judy Heumann waxay soo martay dhibaatooyin badan, barnaamijka BBC-da ee Outlook ayay dhawaan u warrantay. Waaliddiinteeda ahaayeen Yuhuud, waxay kasoo jeedeen Jarmalka, waxay u qaxeen Mareykanka, waxay kusoo barbaartay magaalada New York halkaas oo ay dhibaatooyin dhanka nolosha kala kulantay. Iyadoo shan jir ah ayaa iskuul la geeyay, waxayna: tiri ""Maamulihii iskuulkii aan wax ka dhigan jiray wuxuu igu yiri, ma garanayo luqadda Hebrew."" Hooyadeed ayaa markii dambe guriga wax ugu dhigi jirtay, afar sanno ka dib waxay hooyadeed geysay iskuulada dowladda gaar ahaan iskuulada ay wax ka bartaan ardeyda qaba baahiyaha gaarka ah. ""na looma ogoleyn in aan la qadeyno carruurta kale ee aan naafada ahayn, marka laga reebo hal maalin toddobaadkiiba, gebi ahaanba waxaan aheyn dadka la faquuqay"". hadda oo ay 70 sano jir tahay, waxaa mar kasta maskaxdeeda ka guuxayaa dhacdooyinkaas. ""Xitaa waxaa jirtay mar aan waayay cid i caawiso xilli aan doonayay in aan galo goob bakhaar ah, canug ayaa i soo maray, wuxuu igu yiri ma xanuunsatahay, waana markii ugu horreysay ee aan ogaado in dadku ay aragti kale iga heystaan"". ""Ma xanuunsaneyn, waa maalin xusuus igu reebtay oo saameyn weyn igu yeelatay"". Judy waxay ka qalin jebisay iskuulka, waxay baratay macalinimo gaar ahaan waxbarashada ku saabsan la tacaalidda dadka qaba baahiyaha gaarka leh. Markii ay ka qalin jebisay kuleejka, Judy waxay ku khasbanaatay in ay marto imtixaanka dhanka waxbarashada arrimaha caafimaadka si ay u hesho ruqsadda maclin-nimada sanadkii 1970-kii. Codsigeedii ruqsadda dhanka waxbarashada arrimaha caafimaadka ayaa loo diiday, iyadoo kaashaneyso saaxibadeed oo ka mid ahaa dadka qaba baahiyaha gaarka ah waxay dagaal u galeen sidii ay u heli laheyd ruqsaddaas. ""Waxaan wicitaan ka helay qareeno difiica kiiskeyga, waxaanna ka codsady inay ii doodaan, marka waxaan helay qareeno si bilaash iigu adeegayay"". Waa markii ugu horreysay ay aragtay in loo doodo xuquuqdeeda oo ay guuleysatay. Judy markii ay jirtay 22, waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay oo ku socota baaskiilka dadka naafada oo wax ka dhigta iskuulada ku yaalla magaalada New York. Sannadkii 1975-tii, Judy waxay damacday in diyaarad ay ka raacdo magaalada Washington DC, waxaana loo sheegay in diyaaradda aysan raaci karin iyadoo aan lala socon. Waxay u sheegtay shaqaalaha diyaaradda in aysan jirin sharci dhigaya in marka ay raaceyso diyaaradda uu qof kale wehliyo. Waxayna dood dhexmartay shaqaalaha diyaaradda iyo Judy, waxaana markiiba loo wacay booliska, si xoog ah ayaana looga saaray diyaaradda, ka dibna waa la xiray, waxay tustay warqado muujinayo inay ka shaqeyso xafiiska sanatarka New Jersey balse booliska dhag jalaq uma aysan siin. ""Waan dacweeyay...mana cafin karin sababta oo ah waan xanaaqay"". Waxaana markii dambe dhacay in la sameeyo xeerka xuquuqda bulshada ee sanadkii 1964-tii, kaas oo soo afjaray gacan bidxeynta ay la kulmaan dadka madowga ah ee ku nool Mareykanka gaar ahaan marka ay ku sugan yihiin goobaha dadweynaha, sidoo kale xeerkan wuxuu dhigayay gacan bidxeynta ka dhanka ah midibka, qabiilka ama diinta. Judy waxay hirgelisay ha'yad lagu magacaabo Disabled in Action, waxay u ololeyneysay meel marinta xeerka 504 ee sanadkii 1973, kaas oo sharci darro ka dhigayo in la faquuqo dadka naafada ah, waxaana sharcigan lagu tilmaamaa sharcigii ugu horreeyay ee heer federaal ah oo ay helaan dadka baahiyaha gaarka ah qabo ee ku nool Mareykanka. Waxay kooxda codsanayeen in xeerkan laga dhigo sharci kaddib afar sanno ayay qaadatay in la ansixiyo. 5-tii bishii April sanadkii 1977-dii, Judy iyo boqolaal qof waxay dibadbaxyo ka dhigeen afaafka hore ee xafiisyada wasaaradaha, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada guud ee ku yaalla magaalada San Francisco, waxay codsanayeen in la ansixiyo xeerkan. Intii ay dibadbaxyadu socdeen Judy waxay seexan jirtay dhulka afaafka hore ee xafiisyada ay hor dhoobnaayeen, waxaa caawinayay saaxibadeed, dadkii bannaanbaxyada dhigayay waxay isugu jireen dad kala duwan ee baahiyaha gaarka ah qabo. Dadweyne badan ayaa isugu uruuray halkaas, Judy waxay ka jeedisay khudbad qiiro leh. Markii dambe, waxaa u suurogashay in Judy ay wefdi u diraan magaalada Washington DC si ay u ambaqaadaan in dadaallada dabada looga riixayo dhaqan gelinta xeerkaas. Xilli Judy iyo dadkii kale ay dibadbaxyadu ka wadeen Washington, xilli ay sii qorsheynayeen dibadbaxyo kale, weriye ku sugnaa goobta ayaa u sheegay in dowladda ay ansixisay sharciga 504 oo difaacayay xuquuqda dadka qabo baahiyaha gaarka ah, waxay xilliggaas aheyd 28-dii bishii April 1977-dii. Judy iyo dadkii kaleba waxay joojiyeen dibadbaxyada maadama ay xuquuqdoodi heleen. Judy waxay la shaqeysay madaxweynihii Mareykanka Clinton, waxay u aheyd la taliye waxbarashada sanadkii 1993-dii ilaa 2001-dii, sanadkii 2010-kii madaxweynihii Mareykanka Barack Obama ayaa u magacaabay la taliyha gaarka ah ee xuquuqda caalamiga ah ee dadka qabo baahiyaha gaarka ah. Shaqadeeda iyo dadaalkeeda wuxuu wax ka baddalay nolosha kumanaan qof, haatan waxay dooneysa inay caawiso dadka baahiyaha gaarka ah qabo ee aan caddaanka aheyn. ""Dadka madowga iyo dad kale ee qabo baahiyaha gaarka ah ma helin xuquuqda marka loo barbardhigo kuwa caddaanka ah ee ka faa'ideystay sharciyada qaar"" ayay tiri Judy. Judy waxay sheegtay in dadku ay rumeysan yihiin in dadka qaba baahiyaha gaarka ah in wax isbaddal ah oo buuxo aysan la imaan karin. Haatan, waxay taageereysa musharraxa madaxweynaha ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden, waxay ka dooneysa in uu isbaddal ku sameeyo xeerarka hadda jiro ee dhigayo ilaalinta xuquuqda dadka qaba baahiyaha gaarka ah, waxay sidoo kale dooneysa in madaxweynaha xiga ee Mareykanka in jagooyin siyaasadda uu u magacaabo dad badan oo qaba baahiyaha gaarka ah." https://www.bbc.com/somali/war-53982245 +health Maxay xasaasiyadda cuntada laga qaado ugu sii badaneysaa dunida? Daafaha caalamka oo dhan, aad ayey suuragal in tahay in carruurta ay xasaasiyad ka qaadaan cuntada. Ka dib baaritaanka geeriida wiil British ahaa oo u dhintay Bur-cad, sisin iyo Loos uu cunay, waxaa lagu ogaaday in dhibaato xun ay mararka qaar ka dhalan karto cuntada. Sannadkii tagay, gabar lix sano jir ahayd oo u dhalatay Australia ayaa u dhimatay xasaasiyad ay ka qaaday caanaha warshadeysan. Dalalka reer Galbeedka, waxaa tobannaankii sano ee la soo dhaafay ku sii badanayay xannuunada xasaasiyadda. Cudurada laga qaado cuntada waxay UK gudaheeda sare u keceen 7% boqolkiiba, halka Australia ay gaareen 9% boqolkiiba. Yurub oo dhanna, boqolkiiba 2% ka mid ah dadka waaweyn ayaa qabo elerji. Dhibaatooyiinka halista gelin kara nolosha qofka, waxaa kicin kara cunto yar, taas oo cabsi ku beertay qoysaska iyo bukaannada. Ka fogaanshaha cuntooyiinka qaar waxay dhibaato iyo culeys weyn ku yihiin qoysaska iyo qeybaha kale ee bulshada. Inkastoo aan si dhab ah loo sheegi karin sababta rasmiga ah ee sare u kaca cudurrada xasaasiyadda, haddana cilmi baarayaasha caafimaadka ee daafaha caalamka waxay si adag ugu dadaalayaan xal u helidda dhibaatadan. Xannuunkan waxaa sababa hannaanka difaaca jirka oo la dagaallamaya Shey loo baahnaan in uu u arko wax aan dhib lahayn, ee loo yaqaano xasaasiyad. Walxahaas aan dhibaatada lahayn waxay noqonayaan bartilmaameed, taas oo dhalisa xasaasiyadda. Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah maqaarka oo gaduuta, finan iyo barar - kiisaska qaar ee aadka u xun - waa mataq, shuban, naqaska oo ku dhega qofka iyo kaadida oo ku dhegta ama iska soo daadata. Cuntooyiinka ugu baadan ee caruurta ay xasaasiyadda ka qaadaan waxaa ka mid ah: Illaa 30-kii sano ee la soo dhaafay, xasaasiyadda laga qaado raashiinta way sii badaneysay, si gaar ah dalalka warshadaha ku horumaray. Tusaale ahaan, shan-jibbaar ayuu sare u kacay xasaasiyadda laga qaado noocyada kala duwan ee lawska ee UK, muddadii u dhexeysay 1995 illaa 2016. Dhanka Australia waxaa lagu xusay baaritaanka sare u kaca xasaasiyadda cuntada. Illaa 9% boqolkiiba carruurta hal sano jirka ah waxay xasaasiyad ka qaadaan ukunta, halka 3% boqolkiibna ay lawska ka qaadaan xasaasiyad. Waxaa loo maleynayaa in sare u kaca xasaasiyadda ay ugu wacan tahay bay'ada iyo arrimo la xiriira qaabka nolosha reer Galbeedka. Heerka cudurradan ee dalalka soo koraya weli wuu hooseeyaa. Waxayna u badan tahay in magaalooyiinka ay ka xasaasiyad badan yihiin miyiga. Dadka soo galootiga ah waxay loo maleynayaa in neef iyo xasaasiyadda cuntada ay ka qaadaan dalalka Yurub ee ay tagaan, marka la barbardhigo waddankii ay ka yimaadeen, taas oo sii xoojineysa in bay'ada ay sabab u tahay cudurkan. Ma jirto arrin cad oo lagu tilmaami karo sababta dunida ay xasaasiyad ugu sii noqoneyso cuntada, balse seyniska ayaa aragtiyo arrintaa ku saabsan muujiyay. Mid ka mid ah waa in la eedeeyo nadaafadda casriga ah, iyadoo carruurta aysan ku dheceyn caabuqyo badan oo loo baahan yahay. Caabuqyada noolaha, si gaar ah, waxay si isku mid ah ula dagaallamaan xasaasiyadaha. Haddii gooryaan yar uu ku jiro oo dagaalkaas gali lahaa, difaaca jirka wuxuu ku soo jeesanayaa waxyaabaha kale ee aan dhibka lahayn. Arrinta kale waxay tahay in fitamiin D uu caawinayo hannaanka difaaca jirka uuna sameynayo qaab uu uga falceliyo weerrarada taas oo yareyneysa in jirka uu u nuglaado xasaasiyadda. Inta badan dadka ku nool daafaha caalamka ma helaan fitamiin D ku filan, dhowr arrin ayaa u sabab ah; sida qoraxda oo ku yar jirka oo dadka aysan rabin in ay isu bandhigaan. Geerida gabar da'yar oo British ah oo xasaasiyad ka qaaday cunto waxay muujisay saameynta ay aadanaha ku leedahay xaaladdan, iyo sida cad ee loogu baahan yahay in si dhab ah loo ogaado loona daweeyo. Hadda ma jirto dawo rasmi ah oo loo diyaariyay xasaasiyadda laga qaado raashiinka, xakameynta xaaladdaasna waxay ku xirantahay ka fogaanshaha cuntooyiinka iyo qorshe degdeg ah oo aad isku daweyso in la diyaariyo si looga hortago haddii xasaasiyadda ay kacdo. Sida keli ah ee lagu ogaankaro xasasiyadda waxay tahay inaad qaadato cunto ka mid ah kuwa aad ka shakineyso oo aad u badan, balse waa in dhaqtar uu xaaladda la socdo. Si kastaba, carruurta waxay arrintaas ku tahay dhibaato, waana halis weyn oo xasaasiyad xun ku kicin karta. Tijaabooyiinka laga sameeyo jirkooda ee la xiriira hannaanka difaaca waxaa suuragal ah in natiijo qaldan oo u muuqata mid sax ah ay soo saarto. Xitaa haddii si sax ah loo ogaado xannuunka, dawana la siiyo bukaanka, haddana, ka fogaanshaha cuntada kicisa waa arrin adag, falcelinta aan la fileynna way badan tahay. Waxaa jiro dawooyiin la tijaabiyay oo la xiriira xasaasiyadda raashiinka laga qaado, aad ayaana loogu baahan yahay. Inta taas laga gaarayo, xasaasiyadda waxay sii ahaaneysaa walwal iyo qeyb ka mid ah nolosha maalinkasta ee carruurta iyo waalidiintooda. https://www.bbc.com/somali/war-49757570 +politics Trump oo weerar hor leh oo afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar "Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markale weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congreska Mareykanka. Wuxuu sheegay in Ilhaan ay tahay qof musuq maasuq badan isla markaana warbixinadeeda uu la socday muddo labo sano ah. ""Maxaa ka khaldan Ilhaan Cumar? waxaan rajeynayaa in hawshan uu soo faragelin doono Xeer ilaaliyaha guud, Waxaan aqrinayay warbixinnadeeda muddo labo sano ah oo ku saabsan sida ay u musuqmaasuq badan tahay , Miyad rumaysanaysaan? Sidaas weliba ayay inoogu sheegeysaa sida dal loo maamulo? Waa maxay waxa ay samaysay qofkii ay reer Minnesota doorteen, maxaa baas ee idin ka khaldan dadyahow"" Dhanka kale, Trump wuxuu musharraxa madaxtinimada ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ku eedeeyay in gobolka Minnesota uu doonayo in uu ka dhigo xero qaxooti. Wuxuu sidoo kale sheegay 'in Biden uu doonayo in uu meesha ka saaro xayiraadda dhanka safarka ah ee lagu soo rogay muwaadiniinta dalalka ay taagan yihiin dagaallada' ""Boqolkiiba toddbaadtan korodh ah dad qaxooti ah oo ka kala yimid dalalka ugu khatar badan adduunka oo ay ka mid yihiin Yemen, Suuriya , Soomaaliya. Biden waxa uu u beddeli doonaa Minnesota xero qaxooti oo dugsiyada iyo cisbitaallada ciriiri yihiin"" ayuu yiri Trump. Ilhaan Cumar oo hab cusub ugu soo rogaal celisay Trump Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump? Warnaahinta Khaliijka ma loollan ayay kula jirtaa Ilhan Cumar? Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa in muddo ah kaddib maanta oo Arbaco ah booqasho ku tagay gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka taas oo qeyb ka ah ololahiisa doorasho kaddib dooddii kululeyd ee shalay dhex martay isaga iyo musharaxa xisbiga dimuqraadiga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee Joe Biden. Is-qabqabsiga u dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar oo Minesota ku matasha aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa ahaa mid soo socday, waxayn isku qaadayeem weerar afka ah. Ms Ilhan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee aqalka Cad bishii November, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka koongareeska Mareykanka. Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horeysay oo xildhibaan ka noqoto koongareeska iyadoo xiran xijaab." https://www.bbc.com/somali/war-54367316 +sports Christine Mboma: Gabadhii musiibada ku dhacday ee markii dambe guul qaran soo hoyisay "Markii ay jirtay 13 sano, Christine Mboma waxaa ka kala dhaqaaqay saaxiibbadeed - iyagoo sababo arxan darro ah adeegsanayay - balse hadda boqoraddan uusan muranka ku jirin ee ciyaaraha Namibia waa ruux uu qof walba xiiseynayo. Marka ay kasoo noqotay Tokyo, oo ay ku noqotay haweeneydii ugu horreysay ee reer Namibia ah oo ku guuleysatay billadda ciyaaraha Olympi-ga, safarkeedii ka billowday garoonka diyaaradaha ilaa magaalada caasimadda ah ee Windhoek wuxuu muujiyay nolosha cusub ee u billaabatay. Safarkaas oo 45 kiiloo mitir ahaa islamarkaana qaatay saddex saacadood waxay ku dhex martay dadweyne bannaanka usoo baxay. ""Dadku magaceyga ayay ku qeylinayeen wayna ordayeen, iyagoo gaariga eryanaya - waxay ahayd arrin cajiib ah oo xiiso badan,"" ayay BBC Sport Africa ku tiri Mboma oo 18 jir ah. Balse shan sano ka hor, xaaladdeedu waxay ahayd mid aad uga duwan sidan, iyadoo ku sugneyd baadiyaha waqooyiga dalka Namibia, halkaasoo guri aad ciriiri ah ay kula nooleyd mid ka mid ah waalidiinteeda. Waxay Mboma hal sariir kula seexaneysay ayeeyadeed, sariirtaasina ma uusan saarneyn wax furaash ah. ""Waxaa isoo korisay hooyadeey oo kaligeed ah,"" ayay tiri gabadhan oo loo xushay abaalmarinta shakhsiga ciyaaraha ee sanadkan oo ay bixiso BBC Afrika. ""Markii aay jiray 13 sano, hooyadeey way geeriyootay, waxaana la joogay adeerkeey iyo ayaayadeey. ""Wax walba way isbaddaleen, waxaana iga kala tagay saaxiibbo badan. Dadka qaarkood waxay igu naceen inaan ahaa gabar rajo ah oo ay hooyadeed dhimatay."" Aabbeheed wuu noolaa balse kaddib markii uu ka tagay hooyadeed, oo naafo ahayd, xilligaasoo Mboma ay lix sano jirtay, aad buu oga fogaaday qoyska. Mboma waxa uu caqligeeda u kobcay si deg deg ah, maadaama ay qaadday mas'uuliyadda korinta labo walaalaheed ah. ""Hadda waa carruurteyda. Waxaan ku jiray nolol adag - welwel badan, waxaana ka fikiri jiray hooyadeey oo keliya,"" ayay tiri. ""Xoogaa waan isku buuqsanaa, kaddib waxaan billaabay xirfadda ciyaaraha."" Waxyaabaha ay ka baratay ciyaaraha ayaa baddalaya nolosheeda, mana aha dhinaca dhaqaalaha kaliya, balse waxay sidoo kale u baddalayaan dhinaca juqraafiga, maadaama ay hadda ku nooshahay meel ku dhawaad 500km u jirta gurigeeda iyo guriga tababaraheeda, Henk Botha. ""Maadaama ay kasoo jeedday qoys aad sabool u ah, Christine waqti adag ayay kusoo kortay, kaddibna hooyadeed ayaa ku dhimatay umul raac, cunugii dhalanayayna wuu la dhintay,"" ayuu yiri Botha, oo ah tababarihii hore ee kooxda rugby-ga Namibia. Wax ka yar hal isbuuc gudihiis, Mboma xirfaddeeda way isu rogtay dhanka kale. 30-kii bishii June, waxay jabisay taariikhda u taallay tartanka 400m ee dadka ka yar 20-ka sano ee adduunka. Waa nooca tartanka ay ugu jeceshahay, wuxuuna ka dhacay Poland - ""Waan naxay, balse waan faraxsanaa"". Labo maalmood kaddib, waxay ogaatay inay gali karto tartanka intaas ka sii dheer ee ka sarreeya 400m maadaama ay awood dabiici ah leedahay - ""Waan naxay, waana murugooday."" ""Wuxuu ahaa war xun,"" ayay tiri iyadoo dib u xasuusaneysa. Xeer Xiriirka Ciyaaraha ee adduunka ayaa dhigaya in haweeney kasta oo awooddeeda dabiiciga ah ay ka sarreyso sida caadiga ah aysan ka qayb gali karin tartamada u dhaxeeya 400m ilaa hal meyl, ilaa ay awooddeeda wax ka dhinto mooyaane. ""Waxaan sheegay inaan heystay hal fursad - oo ah tartanka 200m,"" ayay tiri Mboma. ""Haddii aan ka fikiri lahaa 400m iyo wax noocaas ah, waxaa iga lumi lahaa diiradda aan saarayay dadaalka, mana aanan ku fiicnaan lahayn Olympic-da."" Labo bilood gudahooda markii ay masaafaha baddashay, Mboma waxay afar jeer jabisay taariikhdii u taallay Afrika ee tartanka 200m ee dadka ka hooseeya da'da 20-ka sano. Afartaas jeer hal mid ayaa ahaa tartamadii Tokyo. ""Markii aan gaaray kama dambeysta Olympic-da, waan cabsanayay,"" ayay tiri gabadhan dhallinyarada ah oo guulo kasoo hoyineysay tartamadii socday sanadkan. ""Waxaan iska dhigayay qof fiican oo aysan waxba ka halleysneyn, waan dhoollacaddeynayay, dadkana gacanta ayaan u taagayay, waxaana eegayay kaamirooyinka."" Way mudneyd inay walwasho. Iyadoo uu caalamku fiirsanayo, ayay gabar ku jirta billowga xirfaddeeda oo saddex sano ka hor billowday tababar ka guuleysatay xiddigo ilaa yaraantoodii halyeeyo ahaa, sida Shelly-Ann Fraser-Pryce oo u dhalatay Jamaica iyo Marie-Josee Ta Lou, oo kasoo jeedda Ivory Coast. Siddeed iyo toban maalmood kaddib, Mboma waxay ku guuleysatay billadda Adduunka ee ciyaartoyda ka yar 20-ka sano, tartankii ka dhacay Kenya. Bishii September waxay ku guuleysatay tartan sannadle ah oo ka dhacay magaalada Zurich. Mboma waxa ay sheegtay inaysan fahmin shuruucda adag ee ciyaaraha adduunka, iyo sida ay ciyaartoyda ugu kala saaraan lab iyo dhaddig. ""Wax fikrad ah kama heysto,"" ayay tiri iyadoo u muuqata inay qiraneyso. Haddii xiriirka ciyaaraha caalamiga ah uusan sharciyadiisa mar kale wax ka baddalin, oo tartanka 200m u diidin gabadhan, waxay leedahay mustaqbal dahabi ah oo aad u ifaya, sida uu sheegay macallinkeeda, Botha. ""Ujeeddadeydu waa inaan sare u qaado shakhsiyaddeyda aana arko waxa dhaca."" ""Markii aan billadda qaatay oo aan qoorta gishtay, illin ayaa iga soo daadatay. Waligey kuma riyoonin inaan ku guuleysto tartanka Olympic-da, haddana waxaan heystaa billadda qalinka - aad baan ugu faraxsanahay."" Ma jirtaa cid ay u hibeysay billaddeeda? ""Haa - Hooyadeey.""" https://www.bbc.com/somali/war-59688758 +technology Gantaalka Shiinaha: Meelaha uu ku dhici karo ee la saadaaliyay Raadaarada sida dhow ula socda gantaalka wayn ee Shiinaha waxay qiyaasayaan halka la filayo dhulka ee uu ku dhaci doono. Gantaalkan wayn ee lagu magacaabo Long March-5b, oo ah sida gaari qaadi kara xamuulka, waxaa bishii la soo dhaafay loo diray saldhigga cusub ee Shiinaha uu ka sameystay Hawada Sare. Balse, gantaalka oo ku soo wajahan dhulka, hadda waa la xakameyn waayay. Waa gantaalkii labaad ee ugu wayn ee la xakameyn waayay ee dhulka ku soo dhaca, 30 sano gudahood. Labada maalmood ee soo socota gudahood ayaa la filayaa in uu dhulka ku soo dhaco. Saadaasha ugu badan waa saacadaha ugu horreeya ee Axadda. Balse mararka qaar wuu ka soo hormari karaa, sida khubarada ay sheegayaan. Sida caadiga ah, waxaa loo diyaariyay inuu xawaare caadi ah uu ku socdo, balse gantaalka Long March-5b, ayaa sare uga kacay heerkii loogu talagalay. Xawaaraha uu dhulka ku soo gali doono waxay ku xiran tahay sida hawada ay tahay, xaalado badan sida joogga sare ee dhulka ah, ayaana arrintaa sababi kara. Xogtaas weli si wanaagsan looma hayo. Waxaa la filayaa in inta badan gantaalkan ay gubato, marka uu hawada dhulka uu soo galo. Waxaa dhici karta in jajab waaweyn oo ka soo daada ay dhulka ku soo hoobtaan. Markii arrin middan la mid ah ay dhacday sannadkii hore, jajabka biraha waxay hoobashadooda ka billaabatay xeebaha Ivory Coast, ee Afrika. Fursadda ah in qofkasta oo dunida ku nool uu ku dhaco jab yar oo ka soo go'ay, waa arrin aad u yar, sababtoo ah, inta badan dhulka waxaa qarinaya biyaha badda. Sidoo kale, waxaa jiro dhul aad u wayn oo aan la deganayn. Saadaasha waxay muujineysaa in dhul kooban la qiyaasayo in uu ku dhaco ama ay ku daataan jajabkiisa. Wuxuu ku socdaa si xagal silloon ah, wuxuuna ku aadan yahay dhul-baraha qiyaastii 41.5 degree. Taas micneheedu wuxuu yahay in meesha laga saarayo in gantalkan iyo burburkiisa ay gaaraan meel ka baxsan 41.5 degrees, ee waqooyiga Loolka dhulka, ama meel ka fog 41.5 degree, ee dhanka loolka koonfureed ee dhulka. BBC Laanteeda Afka Turkiga waxay qortay in diiwaanka lagu daray magaalooyiin ku yaalla Turkiga oo halis ugu jiri kara gantaalka Shiinaha. Shiinaha waxaa lagu eedeynayaa in ay taxadar la'aan wayn tahay in la ogolaado in gantaal wayn uu dhulka ku soo noqdo isagoo aan la xakameyneynin. Balse dowladda Shiinaha waxay reer Galbeedka ku eedeysay dacaayad in ay ku wadaan gantalkan. Dr Hugh Lewis, oo ku taqasusay haraaga gantaallada looga soo tagay hawada sare, wuxuu sheegay in 60-kii sano ee la soo dhaafay in hawada sare laga buuxiyay qashin iyo jajabka gantallo. Masuuliyadda qashinkaas ayuu ku eedeeyay dhowr dal, waxaana ugu badan Ruushka iyo Mareykanka. Xilliga casriga ah, waxaa lagu baaqayaa in gantaallada hawada sare loo diro, in lagu xakameeyo halkaas, laguna xiro qalab u hagi kara in ay ku degaan meelo badqab ah, sida badda. Laanta Cirbixiyeennada Yurub waxay sheegtay in sannadkasta illaa 100 dayax-gacmeed iyo gantaallo ay ku soo noqdaan dhulka. https://www.bbc.com/somali/war-57001109 +politics Saddex Soomaali ah oo xuddun u ahaa seddax doorasho oo Kenya ka dhacday Kenya waxaa marar badan ka dhacay doorashooyin ay hareeyeen muran iyo khilaaf, waxaana ugu darneyd rabshadihii doorashada ay dadka badan ku dhinteen ee dhacay sanadkii 2007. Doorashooyinka madaxtinnimada Kenya ayaa inta badan waxaa ka dhasha muranno mararka qaar isu rogo gacan ka hadal. Waxaa xilliyadaas doorashada saameyn ku lahaa haddii ay ahaato xaqiijinta amniga iyo arrimo kaleba saraakiil Soomaali ah. Waxaan halkan ku eegeynaa saddexda qof ee Soomaalida ahaa ee udub dhexdaadka u ahaa doorashooyinkii dhacay dowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay. Axmed Isaaq Xasan Axmed Isaaq wuxuu ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada Kenya sandkii 2013-kii kadib markii lagu murmay natiijada doorashada. Xilliggaas, guddiga uu hoggaaminayay Axmed Isaaq waxaa hareeyay cilado farsamo oo ku yimid qalabkii doorashada. Axmed oo ah qareen ayaa markii hore si kumeel gaar ah loogu dhiibay guddoomiyaha guddiga kadib rabshadihii doorashada inkasta markii dambe si rasmi ah loogu dhawaaqay in uu yahay guddoomiyaha 2011. Ra’iisul Wasaarihii hore Raila Odinga ayaa dacwad ka gudbiyay natiijada doorashadii kadib markii lagu dhawaaqay in uu  ku guuleystay Uhuru Kenyatta, maxkamadda ayaa markii dambe ayidday guusha Uhuru Kenyatta, Raila Odinga sidaas ayuu ku aqbalay go’aanka maxkamadda. Major- Maxamed Xuseen Cali Wuxuu ahaa taliyihii booliska Kenya xilliggii ay ka dhaceen rabshadihii doorashada sanadkii 2007-dii, waxaana xilka laga qaaday sanadkii 2009-kii kadib muddo lix sano ah uu xilka hayay. Waxaana xilliggaas kadib loo magacaabay agaasimaha waaxda Boostada iyo is-gaarsiinta. Waxaa xilliggaas socday cadaadis Kenya lagu saarayay in xilka ay ka qaaddo Maxamed Xuseen Cali kadib rabshadihii doorashada. Booliska, ayaa waxa si kulul lagu eedeeyay in si sharci daro ah ay u laayeen in ka badan 400 qof xilligii ay socdeen rabshadihii ka dhashay natiijadii lagu murmay doorashadii la qabtay decembartii 2007-da. Sidoo kale sarkaal sare oo Qaramada Midoobey ugu qaabilsan dhinaca xuquuqul aadaha, oo la yiraahdo Philip Alston, ayaa bishii labaad ee sannadkii 2009-kii ku baaqay in xilka laga qaado taliyahii Booliska iyo xeer ilaaliyahii guud ee Kenya. Intii uu ahaa taliyaha booliska, waxa uu ku tallaabsaday oo uu meel mariyey isbaddalo dhowr ah, inkastoo haddana booliska si aad ah loogu eedeyey in ay ku lug lahayeen rabshadihii hareeyey dalka Kenya kadib doorashadii natiijadeeda lagu murmay. Nuur Gaabow Baraha bulshada Kenya waxaa harreeeyay hadal heyn ku aadan taliye ku xigeenka booliiska Kenya, Nuur Gaaboow oo ah sarkaal Soomaali ah oo ay shacabka ugu hambaleynayaan kadib tallaabada ay ku tilmaameen in uu ka hortagay in qalalaaso uu ka dhaco xaruntii lagu tirinayey codbixintii doorashadii guud ee Kenya ee Bomas ee markii damabana looga dhawaaqay natiijada. Dadka qaar waxay Nuur Gaabow ugu yeereen ‘halyeey’ daacad ah oo aan wax cabsi ah muujin si uu dalkiisa u badbaadiyo. Waxaa la sheegay in Nuur Gaabow uu shaley amar siiyay ciidamadiisa xaqiijinayay amniga xarunta looga dhawaayay natiijiada si ay sugaan amniga kadib markii uu buuq iyo jahwreer uu hareeyay Bomas xilli la sugayay in lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxtinimada. Nuur Gaabow wuxuu xilal kasoo qabtay booliska Kenya oo uu ku biiray sanadkii 1989-kii. Ka hor inta uusan noqon taliye ku xigeenka guud ee booliska wuxuu ka tirsanaa taliska maamulka kuleejka booliska. https://www.bbc.com/somali/articles/c2l5yj107p5o +politics Trump oo loogu yeeray inuu ka jawaabo su'aalo la xiriira dambiyo lagu soo eedeeyay "Guddiga congress-ka Mareykanka ee baarayay rabshadihii sanadkii hore ka dhacay dhismaha Capitol ayaa u yeeray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump si uu jawaab u bixiyo. ""Waxaa laga doonayaa inuu ka jawaabo ficilladiisa,"" ayuu yiri Bennie Thompson, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga ah. Haddii Trump uusan u hoggaansamin u yeeridda, oo loo yaqaanno subpoena, wuxuu wajihi karaa eedeymo dembi iyo xabsi. Guddigan la soo xulay ayaa baaraya weerarkii ay taageerayaasha Trump ku qaadeen Congress-ka 6-dii January 2021. Guddiga oo ka kooban toddoba xildhibaannada Dimuqraaddiga ah iyo labo Jamhuuriga ah ayaa u codeeyay 9-0 iyagoo taageeray in loo yeero Trump si uu u keeno caddeymo uuna u dhaarto lugt au uku leeyahay rabshadahaas Capitol. Liz Cheney, oo ah madaxa guddigakana tirsan Jamhuuriga, ayaa tiri: ""Waxaan ku faraxsannahay inaan jawaabaha ka raadinno si toos ah ninka ay arrintan oo dhan quseyso. Qof walba oo Ameerikaan ahna wuxuu xaq u leeyhahay jawaabahaas."" Tallaabadan kediska ah ayaa timid intii ay socotay baaritaanka iyo dhegeysigii ugu dambeeyay ee baaritaanka weerarkii sanadkii hore lagu qaaday Congress-ka. Kulankii shalay ayaa guddigu wuxuu ku sheegay inay diiradda saari doonaan ""xaaladda maskaxeed"" ee Trump maaddaama uu diiday inuu qirto in Joe Biden uu kaga guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee bishii November 2020. Trump – oo baaritaankan ku tilmaamay ujeeddo lagu doonayo in codbixiyeyaasha Mareykanka looga weeciyo ""musiibada"" dowladnimada Dimuqraaddiyiinta – ayaa aad loo filayaa inuu diido inuu jawaabo bixiyo isla markaana uu ka hor imaan doono u yeeritaankan. Trump ayaa bartiisa Truth Social wuxuu su’aal iska weydiiyay sababta uusan guddigu ugu yeerin bilooyin kahor si uu jawaabo u bixiyo. ""Maxay u sugeen ilaa dhammaadka, xilliyadii ugu dambeeyay ee kulankoodii ugu dambeeyay?"" ayuu qoraalkiisa ku yiri. "" Guddiga ayaa in ka badan sanad waxay ku qaadatay inay wareystaan in ka badan 1,000 marqaatiyaal, waxaana ka mid ah carruurta Trump, kalkaaliyeyaashiisii sare iyo saraakiil sare oo militariga iyo booliiska ka tirsan. Dhegeysigii shalay, ayaa guddigu wuxuu soo bandhigay sawir aan hore loo arag oo Congress-ka ah iyadoo dhismayaasha la jejebiyay isla markaana xildhibaannada la geeyay meelo ammaan ah. Afhayeenka Aqalka kana tirsan Dimuqraadiga Nancy Pelosi, oo gabadheedu ay muuqaalka duubtay, ayaa la arkayay iyadoo argagaxsan markii loo sheegay in xildhibaannada ku sugnaa qeybo kale oo dhismaha ka tirsan loo sheegay inay xirtaan af-xirka gaaska. Iyad aiyo xildhibaannada kale ayaa muuqaalka lagu arkayay iyagoo naxsan oo u tyeeraya saraakiisha militariga iyo barasaabyada gobollada u dhow iyagoo ka codsanaya taageero dheeraad ah si looga adkaado kooxdii weerarka soo qaadday. Mike Pence, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii Trumo, ayaa la maqlayay isagoo telefoon kula hadlaya Pelosi weydiinayana waqtiga ay qaadan karto inta ay xildhibaannadu ku laabanayaan dhismaha si ay u sii socoto codeynta xaqiijinta madaxtinnimada Biden." https://www.bbc.com/somali/articles/cd12lyr446yo +health Coronavirus: 'Qalabka neefta siinaya ayaan ka damiyaa si aan ula qaato waqtiga ugu dambeeya noloshooda' "In la helo qalabka neefshada caawiya waa farqiga u dhaxeeya nolosha iyo geerida ee dadka sida daran ula xanuunsan cudurka Covid-19. Qalabkan oo afka qalaad lagu yiraahdo ""Ventilator"" wuxuu dadka siiyaa neefta oxygen-ka ee gasha sanbabbada - sidoo kalena wuxuu kasoo saaraa kaarboonka - taasoo ah mid aysan qalabkaas la'aantiis dadka xanuunsan sameyn karin. Hase ahaatee mashiinnadan neefsashada ma wada badbaadin karaan dadka oo idil. Shaqaalaha caafimaadka ee Adduunka waxay wajahayaan go'aanno adag oo mararka qaar ku khasbaya inay qalabkaas ka damiyaan dadka aysan xaaladdoodu soo fiicnaaneynin. ""In qofka sakaraadaya laga damiyo qalabkan waa xaalad murugo badan iyo xanuun leh. Mararka qaar waxaan dareemaa inaan si markii loo eego sabab u ahay geeridooda,"" ayey tiri Juanita Nittla. Waxay gabadhan madax u tahay kooxda kalkaaliyeyaasha ah ee ka shaqeeya qeybta bukaannada halista ah la dhigo (ICU) ee isbitaalka Royal Free ee magaalada London. Nittla oo ku dhalatay Koonfurta Hindia, waxay Waaxda Qaran ee Adeegga Caafimaadka England u shaqeyneysay muddo 16 sano ah, waxayna ku takhasustay qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee loo yaqaanno ICU-da. ""In la damiyo qalabka neefsashada waxay qeyb ka tahay shaqadeyda,"" ayey tiri kalkaalisadan 42 jirka ah oo BBC-da u warrantay maalin ay fasax ahayd. Intii lagu jiray isbuucii labaad ee bishan April, islamarkii ay Nittla shaqada tagtay subax aad u mashquul badan, madaxa qeybta ICU-da ayaa u sheegay in laga doonayo inay daweynta ka joojiso mid ka mid ah bukaannada qaba Covid-19. Qofka bukaanka ah ee loo diray waxay noqotay kalkaaliso 50 iyo dhowr jir ah oo ka shaqeyn jirtay caafimaadka bulshada. Nittla waxay arrintan kala hadashay gabar ay dhashay haweeneyda bukaanka ah. ""Waxaan u xaqiijiyay in hooyadeed aysan wax xanuun ah dareemeynin ayna u muuqatay qof qanacsan. Waxaan sidoo kale ka codsaday inay hadalkii ugu dambeeyay ku dhahdo hooyadeed, waxyaabaha diiniga ahna ay sameysato."" Sariiraha yaalla qeybta ICU-da way isku xigxigaan. Haweeneydan loo diray inay dawada ka joojiso waxaa ku hareereysan bukaanno kale oo kulligood miyir daboolan. ""Waxay ku jiiftay sariirta 8-aad. Dhammaan bukaannada kale aad bay u xanuunsanaayeen. Waxaan xiray daahii, dhammaan qalabkii qeyladhaantana waan damiyay"". Shaqaalaha caafimaadka ayaa sidoo kale shaqada hakiyay xoogaa. ""Kalkaalisayaashii way wada aamusan. Sharafta iyo qanacsanaanta bukaannada waa mudnaanteenna koowaad,"" ayey tiri Nittla. Kaddib waxay telefoonkii dhagta u saarta bukaanka waxayna gabadheeda ka codsatay inay hadasho. ""Aniga wuxuu ila ahaa telefoon lagu hadlayo kaliya laakiin waxay muhiimad weyn u lahayd qoyska. Waxay doonayeen wicitaan muuqaal ah, laakiin nasiib darro telefoonnada gacanta looma oggola gudaha qeybta ICU-da"". Kaddib markii la fuliyay codsiga qoyska, Nittla waxay muusig khaas ah ka daarta kumbuyuutar. Kaddibna waxay u dhaqaaqday inay bukaanka ka damiso qalabkii neefsashada. ""Dhinaceeda ayaan fariistay anigoo gacmaha ka haya ilaa inta ay nafta ka baxeysay,"" ayey tiri. Go'aanka ku saabsan in qalabka neefsashada iyo daweynta laga joojiyo bukaannada waxaa qaata koox dhakhaatiir ah oo waxyaabo badan tixgalisa. Inta aan tallaabadaas la qaadin waxaa la eegaa da'da bukaanka, xanuunnadii uu horay usii qabay, sida uu dawada uga falcelinayo iyo suurtagalnimada inuu qofku soo caafimaado. Haweeneyda ay Nittla ka damisay qalabka neefsashada waxay ku geeriyootay muddo shan daqiiqo ah. Kaddib waxay ka wada bixisay faleebooyinkii dawooyinka lagu siinayay. Gabadha ay dhashay bukaanka geeriyootay iyadoo aan ka warqabin waxa isbaddalay ayey wali kusii hadleysay telefoonka wayna u duceyneysay. Nittla oo aad u calool xumooneysa ayaa gacankii telefoonka qabatay, waxayna u sheegtay in howshu ay dhammaatay. Kalkaaliso ahaan, waxay sheegtay inaysan howsheeda daryeelka ah istaageynin marka uu bukaanku geeriyoodo. ""Anigoo ay kalkaaliso kale i caawineyso ayaan meydkeeda sariirta ku dhaqay waxaana ku xiray kafan, kaddibna waxaan ku xiray bacda meydadka,"" ayey ku tiri BBC-da. Ka hor inta uusan imaamin cudurka coronavirus, dadka ehelada u ah bukaanka waxay si fool ka fool ah dhakhaatiirta ugala hadli jireen arrinta ku saabsan ka joojinta dawada. Qaraabada dhow ayaa sidoo kale loo oggolaan jiray inay ICU-da ku sugnaadaan marka bukaannada laga daminayo qalabka nolosha ku caawinaya. Laakiin hadda qorshahaas kama socdo meelo badan oo ka mid ah caalamka." https://www.bbc.com/somali/war-52326833 +entertainment Daisy Coleman: Gabadhii ku jirtay filimkii kufsiga ee Netflix oo gacanteeda isku dishay "Daisy Coleman, oo dhibbane u ahayd weerar kufsi ah, kana soo muuqatay filimkii Netflix ee ka hadlayay tacaddiyada galmada, ayaa isdishay, sida ay kusoo warrantay hooyadeed. Filimka ay gabadhan kasoo muuqatay, oo lagu magacaabo Audrie & Daisy, ayaa soo baxay sanadkii 2016-kii, wuxuuna noqday mid aad loo xiiseeyay sheekooyinkiisa. Ms Coleman, oo ay da'deeda ahayd 23 sano ayaa iyadoo 14 jir ah lagu kufsaday meel xadlaf ka socotay sanadkii 2012-kii. Wuxuu falkaas ka dhacay magaalada Maryville, oo ka tirsan gobolka Missouri ee dalka Mareykanka. Kiiskeeda ayaa noqday mid indhaha qaranka oo dhan ay kusoo jeesteen kaddib markii ay sheegtay in lagu aflagaadeeyay dhacdadaas. Laakiin kiiskii ka dhanka ahaa wiilashii ay ku eedeysay inay kufsadeen ayaa la baabi'iyay. Waxaa lagu soo warramay in meydkeeda la helay markii ay hooyadeed wacday ciidanka booliska. ""Waxay ahayd saaxiibkeyga ugu wanaagsanaa iyo gabadheyda cajiibka ah,"" ayey tidhi hooyadeed Melinda Coleman, oo qoraal soo dhigtay barteeda Facebook. ""Waxaan u maleynayaa inay raadineysay qaab ay dhacdadan ugu ekeysiiso mid u muuqata inaan la'aanteed noolaan karo. Ma noolaan karo la'aanteed. ""Waxaan jeclaan lahaa inaan ka qaadi karo xanuunkii ay dareemeysay! Waligeed kama aysan bogsoonin wixii ay wiilashaas ku sameeyeen, sidaasina caddaalad ma aha. Gabadheydii yareyd way iga tagtay."" Ms Coleman waxay sheegtay in la kufsaday kaddib markii daroogo uu siiyay wiil 17 jir ahaa, oo lagu magacaabo Matthew Barnett, xilli ay guri xaflad ka socotay ku sugnaayeen bishii January ee sanadkii 2012-kii. Hooyadeed waxay sheegtay inay gabadheeda heshay subaxdii ku xigtay, iyadoo taalla meel cidlo ah, timaheedu ay qoyan yihiin, dharna ka qabta hal funaanad oo kaliya. Waxay intaas ku dartay in meesha looga tagay uu ka jiray qabow aad u daran. Barnett waxaa lagu soo oogay dacwad kufsi ah, laakiin markii dambe kiiskii waa la iska laalay. Qoyska Ms Coleman waxay ku doodeen in baabi'inta kiiska ay gacan ka geysteen siyaasiyiin awood leh oo xiriir la leh qoyska wiilka. Barnett wuxuu qirtay in dambi uu geystay balse uusan gaarsiisneyn heer kufsi ah, laakiin eedeynta ku saabsan kufsiga ay tahay mid lasoo dhoodhoobay. Kiiska Ms Coleman wuxuu gudaha Mareykanka ka abuuray dood la xiriirta tacaddiyada kufsiga ah ee loo geysto gabadhaha da'da yar iyo sidoo kale eedeymaha iyo aflagaaddada ay la kulmaan dhibaneyaasha noocaas ah. Ugu dambeyntiina Ms Coleman iyo qoyskeeda waxay isaga guureen magaalada Maryville kaddib markii loo hanjabay, Iskuulkana lagu dhibay. Filim ay sameysay shirkadda Netflix sanadkii 2016-kii ayey kasoo muuqatay gabadhan, kaasoo lagu soo bandhigay xaqiiqooyin badan oo ku saabsan dhibaatada ay la kulmaan dhalinyarada dhibbaneyaasha ah. Gabadh kale ee lagu matalay filimkaas, oo lagu magacaabo Audrie Pott, ayaa iyadana isdishay bishii September ee sanadkii 2012-kii, maalmo yar kaddib markii la kufsaday. Ms Coleman ayaa garab siineysay shirkadda SafeBae, oo ah hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo ka hortagta tacaddiyada galmada ee ka dhaca iskuullada. Bayaan ay Arbacadii maanta soo saartay SafeBae ayaa lagu sheegay in dhammaan shaqaalaha hay'addan ""ay la murugeysan yihiin geerideeda.""" https://www.bbc.com/somali/war-53681259 +health Muxuu yahay hergebka uu u dhimanayo geela Soomaalida ee waqooy bari Kenya? "Xoolo dhaqatada ku nool deegaannada waqooyi bari ee Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay walaac ka muujinayay cudur ay sheegeen in uu laynayo geelooda, dadka qaar waxay sheegayaan in cudurkan uu yahay hergeb daran oo saameyn ku hayo geela, sida ay BBC-da u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Maxamed Cabdi Shaalle oo ah wasiirka beeraha iyo xanaanada xoolaha ee maamulka Gaarisa ayaa BBC u xaqiijiyay in cudurkan u ku dhacay qaar ka mid ah geela gobolka isla markaana baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in uu yahay cudur ka dhasha bakteeriyada. ""In Geel badan uu cudurka la xanuunsaday oo ay xoolo dhaqatadu inoo sheegeen, kaddib waxaan sameynay in dhakhaatiir u dirno ay soo fiiriyaan waxa ay u maleyn karaan wax uu yahay cudurka, waxay markii hore u maleynayeen cudur la yiraahdo Mers mase noqon cudurkaas halista badan kaddib baaritaan aan sameynay waxaan ku ogaanay in uu yahay cudur sababa bakteeriyada"" ayuu yiri wasiirka. Wuxuu sheegay in cudurkan uusan aheyn feyraska Corona, ""Kaddib markii aan baaritaan ku sameynay sheybaar Gaarisa ku yaalla, waxaan xaqiijinay in cudurka uusan aheyn Corona ama Corona wax u dhaw ama feyras"" Maxamed Cabdi Shaalle ayaa ka dhawaajiyay in geela xaaladdiisa ay soo hagaagtay kaddib markii ay siiyeen dawooyinka ka hortagga caabuqa. Ma cadda tirada geele iyo deegaannada uu cudurkan saameynta ku yeeshay. Dhanka kale, dowladda Kenya waxay sheegtay in geela ku nool deeganadaas uu ku dhacay xanuun ka dhasha bakteeriyada oo ku dhaca neefmareenka kaas oo halis ah haddii si deg deg ah loo daweyn waayo, sida uu ku warramaya wargeyska The Daily Nation. Deegaanaada uu saameeyay cudurkan waxaa kamid ah Marsabit, Wajeer, Isiolo iyo Gaarisa. ""Baaritaanada waxay muujinayaan in cudurkan uu saameynayo geela dhallaanka ah, laguna arkay calaamadaha sida diif, qufac, neef qabatin iyo marka dambe dhimasho"" ayuu yiri agaasimaha guud ee laanta xanaanada xoolaha ee Kenya, Charles Ochodo, sida uu ku warramay wargeyska. Makhaayad dadka qaarkood aanu kaftanku u furnayn Nin Soomaali oo celiyay geel uu dhacay 33 sanno ka hor Yurub oo geel argagixisada lagula dagaallamayo siisay dal Afrikaan ah Dowladda waxay sheegtay in cudurka uu laaynayo geela wixii ka yar labo jir balse uusan aheyn cudurka Mers ee markii ugu horreysay ka dilaacay Sucuudiga sannadkii 2012-kii. Dhaqane Karuur oo kamid ah dadka xoolo dhaqatada ee ku nool Gaarisa ayaa sheegay in geeliisa uu ku dhacay cudur ay u maleeyeen in uu yahay hergeb. ""Xanuun hergeb ah oo geela ku dhaca ayaa jiraa ,neefka wuu qandhan, qanjiraha luquntana wey soo boodayaan, geela wuu qufaci marka uu xanuunkan ku dhaco, neefka dhogortiisaa ba baddalmin, socodka wuu gabi, duuf fara badan buu keeni , indhaha dhalxan buu ka keeni, Geela hergeb wax la yiraahdo wuu dhici jiray hadda sida ay tahay lama arki jirin "" Wuxuu sidoo kale sheegay in cudurkan marka uu ku dhaca geela uu biyaha iyo baadka uusan qaadaneyn, halka qaar kamid ah ay kacayaan halka tiro kamid ah geelana uu dilay." https://www.bbc.com/somali/war-53782179 +politics Taiwan: Shiinaha oo jawaabtii ugu adkayd ka bixiyay hadal uu yiri Joe Biden "Dhowr isbuuc kaddib markii uu Madaxweynaha Mareykanka digniin ku aaddan arrimaha Taiwan u diray Shiinaha, xukuumadda Beijing ayaa soo saartay jawaabtii ugu adkayd abid. War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay ay ""Ka adkaan doonaan isku day kasta"" oo lagu raadinayo madaxbannaanida Taiwan. Wasiirka Gaashaandhigga ee Shiinaha, Janaraal Wei Feng, ayaa sidoo kale isbuucan Mareykanka ku eedeeyay inuu dagaal ka riixayo rabitaanka madaxbannaanida jasiiraddaas, isagoo sheegay in Mareykanku ""uu jebiyay ballantii uu u qaaday arrimaha Taiwan"" uuna ""soo farogelinayo"" arrimaha Shiinaha. ""Aan caddeeyo warkayga, haddii cid kasta ay isku daydo in ay Taiwan ka goyso Shiinaha, kama labolabayn doonno inaan qaadno dagaal,"" ayuu yiri Janaraal Wei Fenge, oo ka hadlayay shirka amniga Aasiya oo ka dhacay waddanka Singapore. ""Waxaan geli doonnaa dagaal uu wax kasta ku baxo, waxaana dagaallami doonnaa ilaa dhammaadka, taasi waa waddada kaliya ee u furan Shiinaha,"" ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Hadallada adag ee kasoo baxay wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha ayaa daba socday farriin uu dhawaan madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, u diray Shiinaha, taasoo uu ugu sheegayay inay ""khatar ku ciyaarayso"" maadaama ay diyaaradaheeda dagaalka ku duulinayso hawada u dhow Taiwan. Biden ayaa xilligaas wacad ku maray in Mareykanku uu jasiiraddan militeri ahaan u difaaci doono haddii lasoo weeraro. Shiinaha ayaa sheegta inuu leeyahay Taiwan, balse Taiwan ayaa isu aragta dowlad madax bannaan. Sidoo kale maamulka Taiwan ayaa Mareykanka u arka xulafadooda ugu wayn, halka Washington ay leedahay sharci dhigaya in Mareykanku uu garab istaago jasiiraddan si ay u isu difaacdo. Xaaladda ayaa sii xumaatay kaddib markii Shiinaha uu billaabay inuu si joogto ah diwaaradihiisa dagaalka ugu diro hawada Taiwan - waxayna diyaaradahaasi duullimaadyadoodii ugu badnaa sameeyeen sanadkii lasoo dhaafay. Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ayaa ku sugan biyaha Taiwan, iyagoo diyaar u ah inay jawaab ka bixiyaan tallaabo kasta oo militeri. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee laga cabsi qabo waa in uu dagaal qarxi karo haddii Shiinaha uu go'aansado inuu ciidamadiisa ku fasaxo Taiwan. Dowladda Shiinaha ayaa horay u sheegtay inay suuragal tahay in ay xoog ku qabsadaan jasiiraddan haddii loo baahdo. Hase yeeshee dadka falanqeeya ama u kuur gala xaaladdan ayaa sheegaya in xilligan aysan u badnayn inay taasi dhacdo. Waxaa kale oo jirtay dood in muddo ahba socotay oo ku saabsan in Shiinaha uu haysto awood uu ku qaado tallaabo noocaas ah oo deg deg ah, xilli Taiwan ay waayadii dambe si wayn sare ugu qaadday awooddeeda difaaca hawada iyo badda. Balse khubaradu waxay aaminsan yihiin in dagaal uu Shiinaha ku qaado Taiwan uu noqon doono mid waxyaabo badan ku baxaan, saamaynta ka dhalanaysana aysan noqon doonin oo kaliya mid ku eg Shiinaha balse sidoo kale gaari doonta guud ahaan caalamka. ""Waxaa taagan xiisad aad u wayn, balse Shiinuhu haddii uu doonayo inuu weeraro Taiwan waa in uu si aad ah uga taxaddaro, sababtoo ah waxaa hadda cashir laga bartay xasaradda ka taagan Ukraine,"" ayuu yiri William Chong, oo ah xubin sare oo ka tirsan machadka daraasaadka ee Koonfurta-bari Aasiya. Dhaqaalaha Shiinaha ayaa si aad ah ugu tiirsan caalamka, si ka badan sida uu dhaqaalaha Ruushka ugu tiirsanaa dibadda, sida uu falanqeeyahaasi sheegay. Mid ka mid ah arrimaha soo dedejin kara inuu dagaal qarxo waa haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo madaxbannaanida Taiwan. Tallaabada noocan ah ayay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ying-wen iska ilaalisaa, iyadoo shegeta in dalkeeda uu wali ku jiro xaalad madaxbannaani raadis ah." https://www.bbc.com/somali/war-61821575 +sports Neymar iyo Najila Trindade: Haweeney loo haysto in ay kiis kufsi been ah ka gudbisay laacibka "Booliska dalka Brazil waxay dacwad ku oogeen haweeney sheegtay in uu laacibkan caalamiga ah, Neymar, uu ku kufsaday hoteel ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska, bishii May. Booliska waxay sheegeen in haweeneyda ay isku deyday in ay marinhabaabiso hannaanka cadaaladda. Najila Trindade iyo seygeedii hore Estivens Alves, ayaa lagu eedeeyay in ay booliska been u sheegeen, ayna isku deyeen in ay qiyaamaan ciyaaryahanka. Neymar oo u dheela kooxda Paris St-Germain waxaa laga tuuray dhammaan eedaha ah in uu qalad sameeyay. Qareenka u doodaya Ms Trindade wuxuu sheegay in go'aanka booliska uu ku noqday fajac iyo amakaak. Cosme Araújo wuxuu beeniyay eedaha booliska, wuxuuna sheegay in gabadha uu u doodayo aysan weligeed kala hadlin Mr Alves arrimo shirqool ah oo lacag lagaga qaadanayo ciyaaryahanka. Kiiska dhacdana wuxuu muddo isbuucyo ah ugu sareeyay cinwaannada wargeysyada ka soo baxa Brazil iyo daafaha caalamka. Balse wuxuu soo shaacbaxay bishii June, markii laacibkan u ciyaara kooxda Paris St-Germain uu baahiyay muuqaalka oo toddobo daqiiqo ah oo uu geliyay bartiisa Instagram. Wuxuu sheegay in kufsi lagu eedeeyay. Wuxuu sidoo kale baahiyay farriimo WhatsApp ah iyo sawirro oo uu sheegay in ay haweeneyda u soo dirtay. Muuqaalka wuxuu ku sheegay in uu ku qasbanaaday in arrinta uu bulshada u soo bandhigo ""si uu u caddeeyo in waxba uusan sameyn"". Wuxuu tilmaamay in baraha Bulshada ay isku barteen. Isagana uu bixiyay qarashka safarkeedii Paris ay ku tagtay. Waxay sameeyeen fara-ka ciyaar ka dibna, Ms Trindade waxay ku noqotay Brazil waxayna aaday Booliska iyadoo ciyaaryahan Neymar ku eedeysay inuu weeraray. Ka dib way isa soo bandhigtay waxayna wareysi siiyay telefishin. Waxayna baahisay muuqaal muujinaya khilaaf dhexmaray labadooda. Booliska waxay markaa ka dib dacwad khiyaano ku oogeen Ms Trindade oo lagu eedeeyay inuu si hoose arrinta u abaabulay oo musuq uu doonayay, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP. Neymar wuxuu beeniyay eedaha dhammaan wuxuuna sheegay in la doonayo in xoog wax looga qaato. Booliska waxay gal-dacwadeedka kiiska xireen dhammaadkii bishii July. Xeer ilaaliyaha guud ee São Paulo, ayaa sheegay in kiiska la laalay ka dib markii caddeymo ku filan loo waayay." https://www.bbc.com/somali/war-49678653 +politics Kenya oo ka hadashay sababta ay u dalbatay in mar saddexaad dacwadda badda dib loogu dhigo "Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda ee horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaallada. Dubbe ayaa intaa ku duray in Kenya ay ku doodeyso in Soomaaliya aysan xilligan ka jirin dowlad sharciyad u leh hogaaminta dalka. ""Waxay doonayaan inay ku disqualify-gareeyaan (buriyaan) kiiskeena [iyagoo ku doodaya] Soomaaliya dowlad kama jirto,"" ayuu yiri wasiir Dubbe. Qaar kamid ah mucaaradka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay Kenya u ""loogeen"" arin masiiri ah. ""[Kenya] oo ka faa'iideysanaysa hadallo aan ka fiirsi lahayn oo siyaasiyiinta qaar ay ugu loogayaan ama ugu gawracayaan qarannimada Soomaaliyeed, ayaa go'aankaas qaadatay,"" ayuu sheegay. Hase yeeshee dowladda Kenya ayaa gaashaanka ku dhufatay sheegashada Soomaaliya ee ku aaddan sababta ay u dalbatay dib u dhigista kiiska inuu yahay arrimo la xiriira sharci ahaanshaha dowladda Soomaaliya. Ilo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, ayaa beeiniyay hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya, waxyana sheegeen in sababaha ay ku dalbadeen dib u dhigista aysan ku jirin dood ku saabsan sharci ahaanshaha dowladda Soomaaliya. Kenya ayaa maxkamadda ICJ ka dalbatay in dib loogu dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo bisha soo socota. Ujeedda arrintan ay u codsadeen ayay ku sheegay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.Kenya ayaa garsoorka maxkamadda ku wargelisay in aysan dhageysiga dacwadda uga qeyb gali karin si rasmi ah, iyadoo ay jirto ""khatar dhinaca amniga ah oo waddanka ku imaan karta"" oo ku xiran natiijada kasoo baxda dacwadda la gudbiyay sanadkii 2014-kii. Wasiir Dubbe ayaa sheegay in dib u dhac horleh oo ku yimaada kiiska loo ballansan yahay 15-ka March ee sanadkan ay sumcad xumo ku noqon karto maxkamadda. ""Haddii mar kale dib loo dhigo [kiiska] waxa ay dhabar jab ku tahay cadaallada adduunka iyo sumcadda maxkamadda,"" ayuu sheegay wasiirka. Waxa uu intaa ku daray in warqad ay saaka u direen maxkamadda ICJ ay ugu sheegeen inay diyaar u yihiin dhegaysiga kiiska. Bisha March ee sanadkan ayaa loo asteeyay kiiskan dacwadda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood. Isniin, 15 March, (10:00 am - 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad. 03:00 pm - 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad. Arbaco, 17 March, ((10:00 am - 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad. 03:00 pm - 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad. Khamiis, 18 March, (03:00 pm - 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad. Jimce, 19 March, (03:00 pm - 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad. April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya. Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska. July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go'aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go'aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso. Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas. Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go'aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda. Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2019 : Maxkamadda Caddaallada Adduunka waxay dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda oo xilliggaas la qorsheeyay in uu dhaco 4-ta Nofeembar, balse waxay ka dhigtay bisha Juun ee sannadka 2020-ka." https://www.bbc.com/somali/war-56021218 +health Hindiya: Hooyo hal meel ku dishay 6 carruur ah oo ay dhashay "Haweeney 30 jir ah ayaa tuulo ku taalla gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ku dishay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay ku tuurtay ceel ay biyo ku jiraan. Markii ay falkaas samaysay kaddib ayay iyada qudheeda isku dayday inay is disho. Dadka tuulada ayay u suurtagashay in ay badbaadiyaan haweeneyda ku lugta lahayd dhacdadaas. Hase yeeshee, dhammaan carruurtii ayaa ku dhintay biyaha ceelka oo ay ku hafteen. Booliska degmada Raigad ayaa xabsiga dhigay hooyada oo lagu soo oogay dambi dil ah. Sidoo kale, ninkeeda ayay boolisku u xireen si ay su'aalo u waydiiyaan. Taliyaha booliska Raigad, Ashok Dudhe ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: ""Carruurta dhimatay waxay isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil. Wiilka ugu yar wuxuu ahaa sanad jir, gabadha ugu wayna waxay ahayd 10 jir."" Dhacdadan argagaxa gelisay dadka deegaanka ayaa galinkii dambe ee Isniintii ka dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaklathi. Aabbaha qoyskan, Chikhru Sahani, oo 33 jir ah ayaa halkaas soo dagay muddo bil ah ka hor, xilligaas oo uu kasoo guuray magaalada Gorakhpur ee gobolka Uttar Pradesh. Waxa uu tuuladan u yimid si uu uga helo shaqo uu nolol-maalmeedka ugu raadiyo xaaskiisa Runa iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada. ""Haweeneydan waxay murmeen ninkeeda. Sidaas awgeed markii uu ninkeeda shaqada aaday, waxay guriga kasoo kaxaysay lix carruur ah oo ay isu dhaleen, wayna dishay dhammaantood, iyada qudheedana qorshaheedu wuxuu ahaa inay is disho,"" ayuu yiri Ashok Dudhe. Dadka tuulada ayaa arkay Runa oo isku tuureysa ceelka. Durbadiiba way ku kala carareen waxayna kasoo badbaadiyeen ceelkii, iyagoo ula cararay isbitaalka. ""Waxaan rabay inaan is dilo kaddib markii aan lixdayda carruurta ah ceel ku riday,"" ayay tiri haweeneydaas oo ay soo xigteen warbaahinta. Booliska iyo dadka deegaanka ayaa sameeyay gurmad lagu raadinayay carruurta, balse abbaare 10-kii fiidnimo waxaa la soo saaray meydadka lixdii carruurta ahayd ee ceelka ku haftay. Hooyada ayaa hadda wajahaysa in loo maxkamadeeyo kiis dil ah. Isla markii isbitaalka laga soo saaray waxaa haweeneydan gacanta ku dhigay booliska oo baaritaanno la xiriira dhacdadaas ku sameeyay. Saraakiisha booliska ee ku sugan saldhigga ay ku xiran tahay ayaa sheegay in haweeneydan ay hadda ku sugan tahay xaalad ay ku adag tahay inay hadasho. Waxay boolisku intaas ku dareen in ninkeeda uu isticmaali jiray maandooriyaha, sida khamriga, uuna tacaddiyo u gaysan jiray. Waxay isku dayday inay is disho, maaddaama ay u dulqaadan waysay garaacista joogtada ah ee uu u gaysan jiray ninkeeda, sida ay boolisku ku sheegeen warbixintooda. Guddi ka kooban saddex askari ayaa hadda baaraya xogta rasmiga ah ee ku saabsan dhacdadan iyo sababta keentay." https://www.bbc.com/somali/war-61655709 +health Waxyaabaha loo isticmaalo jirdhiska ma waxay saameeyaan ragannimada? "Rajat (ma aha magaciisa saxda ah) waa nin dheer, oo quruxsan jir fiicanna leh, wuxuu tegay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya si uu u hormariyo xirfadda wax xayeysiinta kaddib markii uu uga baxay kuleej. Rajat ayaa waxaa loo soo bandhigay inuu ka qeyb qaato filim jilid markii uu bilaabayay xirfaddiisa wax xayeysiinta. Wuxuu u baahnaa jir dhuuban si uu fursaddaas uga faa'iideysto. Rajat ayaa si deg deg ah u galay jiim wuxuuna bilaabay inuu waqti badan ku bixiyo tababar. Wuxuu ka shaqeyn jiray jirkiisa isagoo caawinaad ka helaya tababare dhanka jirdhiska ah. Muddo gaaban gudaheed wuxuu isticmaalay waxyaabaha la isku duro ee steroid loo yaqaanno kuwaasoo ay isticmaalaan dadka jirkooda dhisa qaarkood. Wuxuu sidoo kale diiradda saari jiray cunnooyinka borotiinka leh. Muddo labo bilood iyo bar ah, dadaal badan kaddib jir qurxan ayuu yeeshay. Isbeddello badan ayaa jirkiisa lagu arkay. Agaasimaha filimka ayaa aad ugu qancay arrintaas. Balse muddo kaddib waxaa dhibaato ay ka soo gaartay waxyaabaha steroids ee uu isticmaalayay. Markii uu joojiyo isticmaalkooda wuxuu dareemayay dhibaatooyin dhanka hammadiisa oo hoos u dhacday. Arrintaas aad ayay u dhibtay Rajat waxaana ku adkaatay inuu diiradda saaro shaqadiisa. Wuxuu u tegay dhaqtar kaasoo kula taliyay inuu wax ka beddelo cuntadiisa uuna joojiyo waxyaabaha uu jirdhiska u isticmaalo. Ma waxaad u baahan tahay steroids si aad jir fiican u hesho? Waa maxay jirka la jecel yahay? Waxaan la hadalnay khubarrada qaar si ay uga jawaabaan. Ugu horreyn aan ogaanno waxa uu yahya jir fiican... Jir caafimaad leh ayaa ah mid fiican kaasoo leh murqo badan iyo baruur yar. Sagar Mundada oo ah dhaqtar ku takahsusay dhanka hammada ayaa sheegay in raggu ay sameeyaan khaladaad badan marka ugu horreysa ee ay dhisayaan jirkooda. Khaladka ugu horreeya ayuu sheegay inuu yahay inay qaataan waxyaabo la isku duro ama la cuno Ragga ayaa aalaaba waqti badan ku bixiya jiimka si ay si degdeg ah jirkooda ugu dhisaan. Saameyn taban ayay taas ku leedahay jirka. Sidaas darteed dhaqaatiirta ayaa kula talinaya inay waqti siiyaan. Waa maxay xiriirka ka dhaxeeya steroids iyo hammada? Dr. Mundada oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa yiri, ""Jirka ninka wuxuu caadiyan soo saaraa hoormoonno gaar ah. Kuwaasoo hammad u yeelaya. Sidoo kale waxaa xoogeysanaya hammadiisa. Balse markii uu bannaanka ka qaato steroids, waxay saameeyaan hoormoonnada. Haddii uu joogto u isticmaalana, waxaa suurtogal ah inay weynaadaan xiniinyaha taasoo saameyn ku yeelan karta tayada manida ragga.\nSaameynta taban ee ugu daran ayaa ah dhanka hammada."" Dr. Shilpa Joshi oo ah dhakhtar ku takhasusay nafaqada fadhigiisuna yahay magaalada Mumbai ayaa si adag ragga ula taliyay inay isticmaalin steroids. ""Uma baahnid in aad isticmaasho steroids si jirkaaga uu u dhismo kadib marka aad sameyso jimicisga"" Waxaa jiraa xiliyo gaar ah oo la adeegsado Steroids waa marka oo uu dhakhtarka kuugu la taliyo in aad qaadato. ""Xeer baa ka yaalla isticmaalkiisa, dhakhtarkana wuu garanayaa ka hor inta uusan qofka qaadan waxaa qofka looga baahan yahay in la baaro dhiiggiisa"" ayuu yiri Dr. Shilpa Joshi. Muhiimadda ay nafaqadan u leedahay caafimaadkeenna? Khaladka kale ay ragga sameeyaan ayaa ah in maalintii oo idil ay qaataan cunto borotiin ah iyagoo aan wax kale cuneyn, dhakhaatiirtana waxay kula taliyaan inay sidaa sameyn. ""In aad qaadato cunto borotiin ah waxay u wanaagsan tahay caafimaadka, waxaad cuni kartaa ukun, khudaarta cagaaran iyo borotiinnada kale ee ka baxsan nafaqada steroids, ayuu yiri Dr. Mundada. Sameer Joura oo ah nin qaabilsan jimicsiga fadhigiisuna yahay Mumbai-25-tii sano ee lasoo dhaafay wuxuu ku howlanaa tababaridda ragga iyo dad caan ah Waxyaabaha aan loo baahneyn Sida uu qabo Dr. Like Sagar wuxuu qabaa in aan la isticmaalin cuntada nafaqada leh ee steroids, wuxuuna sheegay in dadka weligiisa uusan kula talin inay qaataan. Halka digirta, caanaha, khudaarta iyo miraha ay guud ahaan u baahan yihiin dadka jimicsiga sameeya, waxay daboolaysaa baahida loo qabo borotiinka. Dhakhtarku waxa uu sidoo kale ku taliyey in la joojiyo cuntooyinka gasacadeysan. Si buuxda uga fogaw nafaqada steroid, ha qaadan cuntooyin aad ku kabeyso steroid, cirbadaha hoormoonka waa in aan la isticmaalin haddii aan loo baahnayn. Dhakhaatiirta waxay sheegayaan in dadka aysan qaadan nafaqadan ilaa uu Dhakhtar kula taliyo mooyaane, sida uu BBC Marathi u sheegay Sameer Joura." https://www.bbc.com/somali/articles/c510rwdn77jo +business Maalqabeenkii muddo kooban ku khasaaray 2 bilyan oo doolar "Barnaamijka isbuuclaha ah ee The Boss, oo BBC-da ka baxa waxaa lagu wareystaa hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee guud ahaan dunida, kuwaas oo taariikhdooda lagu soo bandhigo. Isbuucan waxaan la hadalnay Andrew Rickman oo ah ganacsade hormuud ka ah dhinaca tiknoolojiyadda. Sideed dareemi lahayd haddii aad hal habeen gudihiisa ku weyso in ka bada £1.4bn (oo u dhiganta $1.81bilyan oo doolar)? Xaaladdaas waxay ku dhacday Andrew Rickman, dabayaaqadii sanadkii 2000. Xilligaas waxaa soo wajahay khasaare sababay in uu hoos u dhac weyn ku yimaado saamiyadii shirkaddiisa oo lagu magacaabo Bookham Technology. Mar qura waxaa soo ifbaxay shirkadaha bixiya adeegga internet-ka ee loo yaqanano ""dotcom"", taasoo sababtay inay burburaan dhammaan shirkadihii waaweynaa ee suuqa heystay. ""Waxay ahayd sidii khasaaraha hubka nuclear-ka,"" ayuu yiri isagoo dib u xasuusanaya. Andrew wuxuu shirkadda Bookham aasaasay sanadkii 1998-kii, fikirkana wuxuu la yimid isagoo ku jira jikada gurigiisa oo ku yaallay Wiltshire, xilligaasna wuxuu ahaa 28 jir. Waxay shirkaddiisu durba noqotay mid ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee laga helo adeegyada tiknoolojiyadda iyo isgaarsiinta. Marka si fudud loo qeexo, wuxuu abuuray tiknoolojiyad sahleysay in xogta si dhakhso ah la isu gudbiyo iyadoo la isu marsiinayo leesarro iftiin ah iyo quraarado. Markii lasoo gaaray baqayaadaqii 1990-meeyadii, ganacsiga shirkaddiisa iyo iibkeeda ayaa kor u kacay, iyadoo guriyo badan lagu sii xirayay adeegga internet-ka, sidoo kalena telefoonnada gacanta lagu adeegsanayay Internet-ka uu sahlay. Xaaladdu waxay ahayd mid aad u fiican, ilaa heer ay shirkadda Bookham qiime sare ka saarto suuqa saamiyada ee UK, bishii April ee sanadkii 2000. Muddo labo bilood gudahood ah ayey ugu biirtay 100-ka shirkadood ee saameynta ugu ballaaran ku leh suuqa kala iibsiga saamiyada. Dhaqaalihii shirkadda ayaa cirka isku shareeray, Andrew, oo saamiga ugu weyn ku lahaana wuxuu noqday bilyaneerkii ugu horreeyay ee UK ee dhinaca tiknoolojiyadda. Warbaahinta ayaa billowday inay hadal heynta ugu ballaaran ka dhigtaan. Wariyeyaashu waxay aad ugu faraxsanaayeen inay akhristayaashaooda u sheegaan in ninkan uu ka maal badan yahay marka la isku daro hantida boqoradda Ingiriiska Elizabeth II iyo Sir Paul McCartney. Markii ay heerkii ugu fiicnaa mareysay Bookham, xagaagii sanadkii 2000, Andrew wuxuu heystay adduun lacageed oo ka badan £1.5bn. Laakiin markii uu dhacay khasaarihii dotcom bubble, dabayaaqadii isla sanadkaas, waxaa mar qura burburay saamiyadii shirkadda Bookham iyo hantidii Andrew. Arrintan waxay mar kale kusoo jeedisay warbaahinta, kuwaasoo markan baahinayay guuldarradiisa. ""Si gaar ah ugama aanan fikireynin waxa ay warbaahinta iga sheegayeen,"" ayuu yiri Andrew, oo hadda 59 jir ah. ""Lacagtu ma ahayn muhiimadda, sababtoo ah waxay ku qorneyd kaliya wargeysyada. Inaan noqdo bilyaneerkii ugu horreeyay ee dotcom waxay ila ahayd riyo"". Hoos u dhaca shirkaddiisa waxaa horseeday in dhammaan macaamiishii ku xirneyd ay u weecdeen shirkadaha mowjadaha ahaa ee la yimid adeegyada internet-ka ee raqiiska ah. Halkaas waxaa ku burburay ku dhawaad 2 bilyan oo doolar oo ku jiray ganacsiyadii shirkadda. Laakiin nasiib wanaag, Andrew wuxuu xilligaas heystay £50 malyan oo gini, oo bangiga ugu jirtay, taasoo uu si tartiib tartiib ah dib ugu abuuri karay ganacsigiisa. Ugu dambeyn wuxuu shierkaddiisii hore faraha kala baxay sanadkii 2004-tii, wuxuuna billaabay xirfad cusub oo ah inuu maalgashado tiknoolojiyadda. Markii lasoo gaaray sanadkii 2013-kii wuxuu billaabay shirkaddiisii ugu dambeysay - Rockley Photonics. Adnrew wuxuu saadaaliyay in shirkaddiisa ugu dambeysay ee Rockley Photonics ay sanadkiiba iibin karto adeegyo ku kacaya balaayiin gini, ayna heer aad u sarreeya sii gaareyso." https://www.bbc.com/somali/war-51803044 +entertainment Sunny Deol 'oo lagu baafinayo Hindiya' "Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood, ahna xildhibaanka baarlamaanka ee ka tirsan xisbiga BJP, Sunny Deol, ayaa ka jawaabay warqado lagu baafinayo oo lagu dhajiyay meelo ka mid ah magaalada Pathankot ee gobolka Punjab. Atooraha oo u muuqday inuu ka carooday arrintaas ayaa qoraal soo dhigay bogga uu ku leeyahay Facebook-ga. Warqadaha lagu dhajiyay darbiyada ee lagu soo qoray baafinta atoorahan siyaasiga isku baddalay ayaa lagu arkay meel u dhow xarunta tareennada laga raaco ee magaalada Pathankot. Qoraal uu micnihiisu yahay ""Waxaa la raadinayaa xildhibaan Sunny Deol oo maqan"" ayaa lagu qoray warqadaha, wuxuuna isugu jiray luuqadaha hindiga iyo ingiriiska. Jilaaga oo facebook-ga soo dhigay muuqaal uu ugu talagalay dabaaldagga beeraleyda ee Lohri ayuu sidoo kale uga hadlay arrinta ku saabsan baafintiisa. ""Waxaan maqlay in dadka siyaasiyiinta ah ee iga soo horjeeda ay ka hadlayaan wax aan micno lahayn oo aniga igu saabsan. Kaliya waxaan rabaa inaan u sheego in waxaasi aysan shaqadooda ahayn, anigana aysan shaqadeyda ahayn. Waxaa loo baahnaa inay faraxsanaadaan. Waxaan u sheegayaa inay dadka u shaqeeyaan, maadaama aan kulligeen halkan u joogno inaan shacabka u adeegno"", ayuu yiri Sunny Deol. ""Waxaan doonayaa inaan dadweynaha u sheego in kalsoonida ay ii muujiyeen ay ii noqotay awood, waana sii wadan doonaa shaqadeyda. Mustaqbalka waxaan heli doonaa shaqooyin intan ka sii waaweyn, sababtoo ah kalsoonidiinna ayaa ila jirta"", ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Inta aysan sheekadan baafinta ah soo ifbixin ka hor, xildhibaankan jilaaga ah waxaa bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay lagu eedeeyay inuu qof wakiil ah u sameystay ""ka qeyb galista shirarka iyo arrimaha muhiimka ah"", kaasoo ku matala kalfadhiyada baarlamaanka. Laakiin markii uu ka fal celinayay wuxuu eedeyntaas ku tilmaamay mid ""nasiib darro weyn ah"". Xilligaas wixii ka dambeeyay, wuxuu wajahayay cadaadis xooggan oo la xiriira sababta uusan uga qeyb galin kulamada aqalka baarlamaanka. Afhayeenka aqalka wakiillada ee Hindiya, Manish Tewari, oo ka faa'iideysanaya warqadaha baafinta ah ee laga sameeyay Sunny Deol ayaa isagana hadlay. ""Ma aha arrin lama filaan ah oo lala yaabo, waa wax horay ugu dhacay aabihiis Dharmendra, oo xildhibaan ka ahaa Bikaner. Magaalada Gurdaspur waxay nasiib u yeelan weysay nin fiican oo xilkaas ugu tartamayay, oo ah Sunil Kjakhar"", ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Mr Kjakhar ayaa ahaa xildhibaankii hore ee degmada, hase yeeshee waxaa doorashadii sanadkii lasoo dhaafay kursigaas uga guuleystay Sunny Deol, oo markii ugu horreysay xildhibaan noqday. Atooraha 62 jirka ah ayaa siyaasiga kursigaas kusii fadhiyay uga adkaaday codad dhan 82,459 cod. Manish Tewari wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay sida uu jilaaga ugu guul darreystay inuu ka qeyb galo shirarka baarlamaanka. ""Intii u dhaxeysay 24-kii bishii May, 2019 ilaa 31-kii bishii December, 222 maalmood oo sanadka ka mid ah waxaan degmadeyda joogay 100 maalmood, waxaan si joogto ah uga qeyb galayay kulamada baarlamaanka xilliyadii kala duwanaa. Laakiin meeqa maalmood ayuu Sunny Deol joogay degmadiisa ama aqalka baarlamaanka???"", ayuu ku yiri qoraalkiisa. Sunny Deol aabihiis Dharmendra, oo ah jilaa rug caddaa ah, iyo aayadiis Hema Malini ayaa labadooduba waxay noqdeen siyaasiyiin ka tirsan xisbiga talada haya ee BJP." https://www.bbc.com/somali/war-51094571 +politics Amiir William: ‘Boqoradda waxay ila joogtay wakhtiyadii ugu farxadda iyo murugada badnaa’ "Amiir Wiiliam oo ammaanay Boqoradda ayaa sheegay dunida iney weyday hoggaamiye aan caadi ahayn, isagana uu waayey ayeydii aabbahii dhashay. Amiirka cusub ee Wales wuxuu yiri: ""Wey igu garab joogtay waxyaabihi farxadda lahaa ee nolosheyda soo maray, sida oo kale waxay igu garab joogtay waxyaabihi murugada lahaa ee nolosheyda soo wajahay."" Wuxuuna sheegay iney 'Sharaf' u tahay noloshi uu ayeydii la soo qaatay weligiina uu xusuusan doono ""Boqorka aabbahey ahna wax walba oo aan awoodo aan ku caawinayo."" Amiir William ayaa safka hore uga jira dhaxal-sugaha boqortooyada. Jimcihi, Boqor Charles III wuxuu ku dhawaaqay Wiiliam iyo xaaskiisa Catherine iney noqonayaan Amiirka iyo Amiiradda Wales. War qoraal ah uu amiirka Wales uu soo saaray wuxuu ku yiri: ""Khamiistii hoggaamiye aan caadi ahayn, oo ay ka go'neyd wax u qabashada dalkeeda iyo xaaladaha waddamada Barwaaqo-sooranka. Wax badan ayaa laga sheegi doonaa maalmaha soo socda macnaha ay lahayd xukunkeeda taariikhiga ah. Anigu, waxaan waayey ayeydeey. Isaga oo hadalka sii watana wuxuu yiri: Waxay ahayd dhinacayga xilliyadayda farxadda badan. Waxayna ila joogtay maalmihii ugu murugada badnaa nolosheyda. Waan ogaa inay maalintani iman doonto, laakiin waxay xaqiiqdii nolosha ahaan doontaa mid adag ayeydeey la'aanteedna cidlo ayaanna dareemi doonaa."" ""Amiirka 40 jirka ah wuxuu sheegay markasta uu 'ka murugooda' geerida Boqoradda haddana si aad ah uu ugu faano ""faa'idooyinki laga dhaxlay boqoradda iyo dammaanaddeedi nolosha."" ""Carruurteyda seddexda ah xilliyada fasaxa waxay la qaadan jireen ayeydeey waxayna ka dhaxleen xasuus aad u wanaagsan oo ay weligood la noolaanayaan,"" ayuu sii raaciyey. Wuxuuna intaa ku daray inuu doonayo inuu 'u mahadceliyo' ayeeydii ""naxariistii faraha badneyd ee ay u muujisay qoyskayga iyo anigaba,"" iyo sida ay tusaalaha noogu noqotay bulshada in si daacad ah loogu adeego. Qoraalkiisana wuxuu Amiirka ku soo gabagabeeyey: ""Ayeeydeey waxay caan ku ahayd in murugadu tahay qiimaha aan ku bixinno jacaylka. Dhammaan murugada aan dareemi doonno toddobaadyada soo socda waxay caddayn u noqon doonaan jacaylka aan u qabno boqoraddayada aan caadiga ahayn ee geeriyootay."" ""Daqiiqado ka dib markii William uu sii daayay bayaankiisa, waxaa lagu dhawaaqay in aaska boqoradda uu dhici doono maalinta Isniinta, oo ku beegan 19-ka Sebtembar, uuna ka dhacayo Westminster Abbey. Charles ayaa noqday Boqorka cusub kadib geeridii ku timid hooyadii Boqorad Elizabeth II. Kulan taariikhi ah oo Sabtidi dhacay ayaa Boqorka waajibaadkiisa lagu shaaciyey. Amiir William ayaa ahaa qofki ugu horeeyay ee saxeexa ku dhawaaqista boqornimadiisa, isaga oo si taxadar leh qalin ugu soo qaatay gacantiisa bidix ka hor inta aanu saxeexin diiwaanka taariikhiga ah. Markii ugu horreysay ayaa munaasabaddaasi taariikhiga ah oo boqorka lagu caleema saarayey telefishiinka si toos ah looga baahiyey. Munaasabaddaasi oo ay ka soo qayb galeen 200 oo xubnood oo ka tirsan Golaha Xilwareejinta ah oo ay ka mid yihiin Rayisal wasaarayaal hore Boris Johnson, Theresa May, David Cameron, Gordon Brown, Tony Blair iyo John Major." https://www.bbc.com/somali/articles/cgl05ymlny3o +politics UK: Muxuu yahay Dabagaalaha dhaawacay dad gaaraya 18 qof? "Dabagaale uu midabkiisu yahay calow oo weerarro uu geystay ku dhaawacay 10 ruux ayaa la qabtay kaddibna ay la wareegtay dowladda si loo dilo. Xayawaankan ayaa naaneysta ""kii diillimaha lahaa"" ku helay kaddib markii uu kaalin qalalaase ah ka jilay filimka Gremlins. Weerarrada uu ku qaadayay dadka ayuu isbuucii lasoo dhaafay ka billaabay magaalada Buckley oo ka tirsan Flintshire, waxaana uu waday muddo labo maalmood ah. Arrintan ayaa walaac xoog leh ku keentay haweeney lagu magacaabo Corinne Reynolds, oo 65 jir ah, taasoo dabagaalahan quudinaysay tan iyo bishii March, waxaana ay sheegtay inuu ahaa ""saaxiib si joogto ah ugusoo booqan jiray"" gurigeeda. Dabagaalaha ayaa markii ugu horreysay gurigeeda u tagay inuu xado raashinka shimbiraa, waxayna Mrs Reynolds tiri: ""Bilahaan oo dhan wuu fiicnaa, waxa uu xitaa lawska ka qaadanayay gacanteyda."" Balse waxay sheegtay in uu qaniinay isbuucii lasoo dhaafay xilli ay ku quudineysay beerteeda, kaddibna waxa ay aragtay warar lagu shaaciyay Facebook oo sheegaya in dad kale uu ku qaniinay magaalada. Waxa ay intaas ku dartay: ""Kaddib markii aan arkay sawirrada dadka dhaawaca ah, waan yaabay, waxaana is weydiiyay waxa ku dhacay."" Mrs Reynolds waxa ay sheegtay inay ka war qabtay in loo baahnaa sidii tallaabo looga qaadi lahaa waxayna ku fikirtay in ""maadaama uu iyada garanayay ay u sahlaneyd inay qabato"". ""Dabin ayaan u dhigay meel u dhow goobtii aan ku quudin jiray, 20 daqiiqo kaddibna wuu ku dhacay,"" ayay tiri. ""Waxaan dareemay in uu igu kalsoonaa balse aan khiyaanay."" Mrs Reynolds waxay inta badan guriga keensataa shimbiraha dhaawaca ah sida shimbir badeedka ama tukaha, iyadoo xannaaneysa ilaa inta ay kasoo kabanayaan. Waxay isku tilmaantay inay tahay qof xayawaanka jecel. Waxa ay tiri: ""Gurigeyga barxaddiisa waa sida goob lagu dhaqo shimbiraha. Balse waxaan ogahay inaan sameeyay wax fiican. Waxaan heystaa wiil aan ayeeyo u ahay oo labo sano jir ah, haddii laga qaniini lahaa farta, waxaa laga yaabaa in laga goyn lahaa fartaas."" Haweeney ku nool iska aaggaas ayaa soo tebisay in uu xayawaankaas weeraray xilli ay qaadeysay kartoomo, waxayna baraha bulshada soo dhigtay sheeko ku saabsan qaabkii ay wax u gaareen iyo in ay qaadatay cirbad looga daweynayay sunta qaniinyaha dabagaalaha. Waaxda xannaanada xayawaanka ee magaceeda loo soo gaabiyo RSPCA ayaa la wareegtay dabagaalaha dadka waxyeelleeyay kaddib markii ay qabatay Mrs Reynolds. Kaddib markii tijaabo caafimaad lagu sameeyay waxaa si ku talagal ah u dilay dhakhaatiirta. Afhayeen u hadlay waaxda ayaa yiri: ""Aad iyo aad baan uga murugeysneyn inaan dabagaalahan dilno balsae waddo kale nooma furneyn maadaama isbaddal sharciga lagu sameeyay 2019-kii, kaasoo sharci darro ka dhigaya in duurka lagu sii daayo dabagaaleyaasha midabkoodu calowga yahay. ""Ma taageersanin sharcigan, waana kasoo horjeedsannay, balse sida sharciga ah waa inaan u hoggaansanno. Waxaa jira qaabab badan oo lagula tacaali karo dabagaaleyaasha calowga ah, dadkana waxaan ku boorrineynaa in aysan dabin u dhigin maadaama ay hadda sharci darro tahay in lagu sii daayo duurka, waddada keliya ee furanna ay tahay in la dilo."" ""Waxaan magac ahaan ugu yeeri jiray saaxiibkeyga yar mar walba oo aan arko isagoo jooga barxaddeyda,"" ayay tiri Mrs Reynolds. ""Balse ugu dambeyn arrintan ayaa dhacday, waana markii aan magaciisa u baddalay kii diillimaha lahaa. ""Waxaan ka murugeysanahay in dabagaalahaas uu waayay naftiisa, balse ma jirin wax kale oo aan sameyn karay. dhibaatada uu geystay ma ahyayn mid la aamini karo.""" https://www.bbc.com/somali/war-59824675 +health Coronavirus: Saddex arrimood oo uu Joe Biden dhabarka uga jabinayo Donald Trump "Joe Biden, oo ah musharraxa xilka madaxweynaha ugu tartamaya xisbiga Dimuqraaddiga ee Mareykanka ayaa dhowr arrimood ku eedeeyay madaxweyne Donald Trump, kuwaasoo dhammaantood la xiriira sida uu uga falceliyay xasaradda cudurka coronavirus. Mr Biden wuxuu sheegay in madaxweynaha uu amar ku bixiyay in si gaabis ah loo sameeyo baaritaannada coronavirus, inuu ku guul darreystay sidii shaqaalaha caafimaadka loo siin lahaa qalab ku filan oo ka ilaaliya xanuunka, iyo inuu isku dayay hor istaagidda dhaqaalaha lagu bixiyo adeegyada caafimaadka dadweynaha. Waxaan xaqiiqo baaris ku sameynay arrimahan oo dhan. Xaqiiqda: Trump wuxuu arrintan ku soo jeediyay khudbad uu meel fagaaro ah ka jeedinayay, laakiin saraakiishu waxay sheegeen inaan wax amar ah lagu siinin xaddidaadda baaritaanka. Isu soo bax uu Madaxweyne Trump ka qeyb galay 21-kii bishii June ayuu ka ydhi: ""Dadkeyga waxaan ku idhi yareeya baaritaanka, fadlan."" Laakiin markii dambe wuxuu hadalkaas ku tilmaamay ""mid uusan micnihiisa dhabta ah ula jeedin sidaas"". Sidoo kale xog-hayihiisa dhinaca saxaafadda ayaa sheegtay in eraygaas uu ahaa kaftan uu madaxweynaha sameynayay. Dr Anthony Fauci, oo ah khabiirka cudurrada faafa ee ugu sarreeya Aqalka Cad, ayaa yidhi: ""inta aan ka ogahay, qof naga mid ah waligiis laguma amrin in la dabciyo baaritaannada."" Mareykanka ayaa maalin kasta oo ka mid ah bishii July sameeyay qiyaastii 744,000 baadhitaan, tiradaas oo ka badan tii la sameeyay maalin kasta oo ka mid ah bishii June, oo ahayd 508 baadhitaan, sida laga soo xigtay mashruuca dabagalka Covid-19. Baadhitaannada ayaa sii batay tan iyo markii uu madaxweyne Trump jeediyay hadalkaas. Madaxweynaha ayaa baadhitaanka ku qeexay ""seef labo af leh"", wuxuuna sheegay in Mareykanka uu u muuqdo mid uu cudurka kusii xoogeysanayo maadaama ay baadhitaannada badan yihiin. Hase yeeshee, inkastoo baadhitaanka uu kordhay, waxaa sidoo kale batay dadka laga helayo cudurka. Sidaas darteed baadhitaanka oo kaliya kuma xidhna kororka kiisaska coronavirus. Xaqiiqda: Waxaa caddeyn loo hayaa in xarumaha caafimaadka qaarkood uu qalabkii ka dhammaaday. Madaxweyne Trump wuxuu si shakhsi ah u sheegay in maamulkiisa uu badiyay adeegyada lagu bixiyo qalabka la isaga difaaco fayraska, kaasoo sii dhammaanayay markii uu billowday cudurka safmarka ah. Soo saarista qalabkaas ayaa la badiyay, laakiin Mr Biden wuxuu sheegayaa in wali aan la sameynin dadaal ku filan. Daraasad baadhitaan ah, oo ay 27-kii bishii July daabaceen Ururka Kalkaaliyeyaasha Qaranka - oo ay ku mideysan yihiin 87% ka mid ah kalkaaliyeyaasha ka shaqeeya isbitaallada Mareykanka, ayaa lagu sheegay in dib loo isticmaalo qalabka oo ah mid loogu talagalay in hal mar oo kaliya la adeegsado. Dalladda Dhakhaatiirta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inuu qalabka la isaga difaaco cudurka aad u yaryahay. Waxaa walaac weyn laga qabaa in xilligan oo kiisaska fayraska ay badan yihiin haddana xarumihii ganacsiga dib loo furayo iyadoo qalabka la isku difaacana uu sii dhammaaday. Xaqiiqda: Caddeyn ku filan looma hayo. Mr Biden wuxuu arrintan ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka, laakiin ma uusan soo bandhigin wax caddeymo ah oo xaqiijinaya sheegashadiisa. Waxaan la xiriirnay kooxda ol'olaha u sameyneysa Biden, si aan wax badan uga ogaanno waxyaabaha loo cuskaday eedeyntaas. Xildhibaannada Mareykanka ayaa hadda ka wada hadlaya adeeg baaxad leh oo wax looga qabanayo dhibaatada coronavirus, waxaana jiray warar ay soo tabinayeen warbaahinta Mareykanka oo sheegaya in maamulka Trump uu u ol'oleynayo sidii loo dhimi lahaa dhaqaalaha ku baxa Waaxda Xakameynta Cudurrada(CDC). Waaxda CDC waa hay'adda dowladda u qaabilsan adeegyada caafimaad ee dadweynaha, waxayna mas'uuliyiinteeda arrimo badan oo ku saabsan cudurka safmarka ah ku kala ra'yi duwanaayeen madaxweynaha. Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay isku waafaqi waayeen waxaa ka mid ah talooyinka la xiriira dib u furitaanka dalka. Hase yeeshee, Aqalka Cad wuu beeniyay inuu caqabad ku yahay dhaqaalaha la siiyo Waaxda Xakameynta Cudurrada, wuxuuna yidhi: ""Sheegashada ay sameeyeen kooxda Biden waa been abuur. Miisaaniyaddeenna ugu dambeysay, Waaxda CDC waxay ka heshay lacag dhan $635m, waxaana loo sameeyay dhaqaale kordhin u dhiganta 8%."" Tani waa run, hay'adda CDC waxay heshay dhaqaale kordhin intii uu socday dadaalka looga falcelinayay cudurka safmarka ah. Miisaaniyadda Maamulka Trump ee sanadka 2021-ka, oo billaaban doonta bisha October ee sanadkan 2020-ka, ayaa markii hore lagu muujiyay in dhaqaalaha laga dhimi doono hay'adda CDC - laakiin hadda waxaa la filayaa in la kordhiyo, waaxyaha kharashkooda la kordhinayana waxaa ka mid ah qeybta la dagaallanka cudurrada faafa." https://www.bbc.com/somali/war-53668051 +entertainment “Xaaskeygii safarka jeclayd waxaan u dhisay guri diyaarad u eg” """Sababta aan xaaskeyga ugu dhisay guri u eg diyaarad"". Nin ka sheekeynaya sida ay xaaskiisa u jeclayd safarada iyo wixii uu u sameeyay." https://www.bbc.com/somali/war-50983795 +entertainment Guri kuwa raaxada ah oo uu lahaa xiddigii heesaha Michael Jackson oo qiimo jaban lagu iibiyay Guri kuwa raaxada ah oo uu lahaa xiddigii dhanka fankaa Michael Jackson ayaa la sheegay in uu iibsaday nin bilyan-neer ah, islamarkana ku iibsaday afar meelood markii loo dhigo meel qiimihii horey la shaaciyay in lagu iibin doono. Ron Burkle, oo horey ay saaxib u ahaan jireen Jackson, ayaa dhawaan iibsaday gurigani oo ku yaallay Los Olivos, oo ka tirsan gobolka California, sida uu sheegay afhayeenkiisa. Waxaa uu gurigani ku iibsaday Bilyan-neerkan $22 milyan, sida uu qoray wargeyska the Wall Street Journal , waxaana heshiiska ka warqabay oo kali ah saddex qof. Gurigan ay beerta ku dhex taalo oo ku fadhiya dhul dhan 1,100 higtar ayaa waxa sanaddii 2015 qiimihiisa lagu sheegay $100 milyan. Tan iyo xiligaasi ayaa waxaa marar badan la beeciyay gurigani iyada oo sanadkii aaanu soo dhaafnay qiimihiisa uu hoos u soo dhacay islamarkana uu gaaray 31 milyan. Jackson ayaa gurigani ku yaalla goobta laga dhiso daaraha casriga ah ee Neverland ku iibsaday $19.5 milyan, waxaa uuna guriga ku magacaabay jasiiraddii khiyaaliga ahayd. Xiddigani heesaaga ahaa ayaa gurigani iyo beerta isku dhex taalla iibsaday sanaddii 1987, isaga oo ka dhigtay hoygiisa xilligii uu bari samaadka ku jiray. Waxaa uu gurigani u badalay goob madadaalo, isaga oo ka dhisay beer xayawaanada lagu xanaaneeyo iyo goob garoon ah oo qoysaska iyo caruurtooda lagu madadaaliypo. Sanadihii 1990-maadkii ilaa 2000, ayaa goobtani ku taalla Neverland waxay xuddun u noqtay eedeymo loo jeediyay Jackson oo ku saabsanaa caruur la fara xumeeyay. Jackson ayaa beeniyay eedeeymaha uu soo jeediyay dacwad oogaha Santa Barbara oo ahaa in uu daartani u isticmaalay islamarkana ka dhigtay goob uu wiilasha yaryar ku faraxumeeyo. Sanaddii 2005, Jackson ayaa maxkamad la soo taagay waxaana markii dambe lagu waayay kiis ahaa in uu fara xumeeyay wiil yar oo 13 jir ah. Ka dib Jackson kuma uusan soo laaban gurigani casiga ah ee ku yaalla Neverland. Afar san ka dib oo ku beegan bishii June sanaddii 2009, ayuu ku geeriyooda Jackson guri kale oo uu ku lahaa Los Angles ka dib markii uu wadnahiisa shaqeyn waayay. Tan iyo xilligaasi geeridiisa ka dib waxaa soo baxayay eedeymo dheeraad ah oo ku saabsanaa in uu gaystay tacadiyo, waxaana sanaddii sanaddii 2019 sidoo kale laga sameeyay barnaamij dikumiintari ah oo lagu magacabo Leaving Neverland . Goobtani maalgalinta dhanka guriyaha lagu sameeyo ee Neverland ayaa geeridiisa ka dib waxaa lagu sameeyay hormarin ballaar Afhayeenka Mr Burkle ayaa sheegay in ganacsadahan uu farsad u arkay maalgalintani uu gurigaasi uu lahaan jiray Jacksan ku iibsaday. Mr Burkle, oo ah 68 jir, ayaa ah asaasaha iyo milkiilaha shirkadda Yucaipa, LLC, oo ah shirkad maalgashi oo gaar loo leeyahaya. Warbixintii ugu dambeysay ee la soo saaray 24 December 2020 waxaa hantidiisa lagu qiyaasay $1.4 bilyan , sida lagu xusay wargeyska bn, according to a profile by American business magazine Forbes.an. https://www.bbc.com/somali/war-55445219 +health Idris Elba oo laga helay cudurka Corona "Jilaaga caanka ah Idris Akuna Elba oo u dhashay dalka Britain ayaa laga helay cudurka Coronavirus kaddib markii la baaray, sida uu ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka. Wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay isla markaana la karantiilay. Elba oo muuqaal soo geliyay Twitter-ka xilli ay la joogtay xaaskiisa, Sabriina wuxuu sheegay in cudurka uu iska baaray markii uu Jimcihii la kulmay qof horey loogu arkay cudurka Corona. Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in xaaskiisa Sabriina Dhawre aanan laga baarin cudurka , xaaladdeena ay wanaagsantahay. Jilaa caan ah oo la aqal galay gabar Soomaaliyeed Guurkii Idris Elba iyo Sabriina oo niyad jab ku abuuray gabdho badan "" Waan is karantiilay, si deg deg ah ayaan isku baaray waxaan maanta helay natiijada.. waa xaalad halis ah hadda waxaa la joogaa xilliggii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha bulshada isugu yimaadaan iyo in gacmaha la dhaqdo"" Wuxuu ka codsaday taageerayaashiisa inay feejignaadaan, "" haddii aad dareento xannuun ama ay kula tahay in aad is baarto..marka waa in aad wax iska qabataa"" Horraantii sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Idiris uu la aqal galay Sabrina Dhawre oo ah gabar Soomaaliyeed, arooskooda wuxuu ka dhacay Huteel ku yaalla dalka Morocco." https://www.bbc.com/somali/war-51922313 +politics Socdaal: Maxaa ku dhacay diyaaraddii ku hakatay Spain ee mar qura rakaabkeedii ku kala carareen laamiga? Mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu mashquulka badan dalka Spain ayaa Jimcadii albaabbada la isugu dhuftay muddo afar saacadood ah kaddib markii sida muuqatay ay dad tahriibeyaal ah isku dayeen inay si sharci darro ah waddanka ku galaan. Diyaarad kasoo duushay magaalada Casablanca ee dalka Morocco kuna sii jeedday magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga ayaa loo weeciyay magaalada Palma ee dalka Spain kaddib markii lasoo tabiyay xaalad caafimaad oo deg deg ah. Islamarkii ay diyaaraddu cagaha dhigatay garoonka, 21 qof oo ka mid ahaa rakaabka ayaa ku cararay laamiga, iyagoo ka gudbay darbigii siligga ahaa ee garoonka diyaarada, sida ay wararka sheegeen. Booliska ayaa soo xirxiray qaar ka mid ah dadkaas, balse 12 ruux ayaa wali baxsad ah oo aan gacanta lagu soo dhigin. Saraakiisha ciidanka amniga ayaa sheegay inay baarayaan arrinta ku saabsan in dadka ka baxsaday diyaaradda ay tahay isku day ulakac ah oo tahriibeyaal ay ku doonayaan inay si sharci darro ah ku galaan Spain. Aina Calvo, oo ah madaxa maamulka jasiiradaha Balearic ee dalka Spain, ayaa sheegay in xaaladdaas ay ahayd mid lama filaan ah oo uusan usii diyaar garoobin garoonka. Kalacararka ayaa billowday kaddib markii shaqaalaha gurmadka deg degga ah laga firay albaabka diyaaradda si ay u qaadaan nin u dhashay Morocco oo la sheegay inuu koomo u galay xanuunka sokorowga oo ku soo booday awgiis. Inta uu gurmadka socday, 21 qof oo ka mid ah rakaabkii kale ayaa orod uga soo dagay jaranjarada, wayna baxsadeen, iyagoo sida la sheegay isku qarinayay ama ka hoos dusayay diyaaradaha fadhiyay garoonka. Wakaaladda Wararka ee Spain (EFE) ayaa soo tabisay in markii ninka xanuunsanaa isbitaalka la geeyay kaddib la ogaaday inuusan waxba qabin oo caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay. Islamarkiiba ninka u dhashay Morocco waxaa laga saaray isbitaalkii waxaana loo taxaabay xabsiga isagoo loo heysto dacwad ku saabsan inuu si sharci darro ah ku galay waddankaas. Sida ay wararku sheegayaan, qof rakaab ahaa oo ninka xanuunka sheeganayay u raacay isbitaalka ayaa isagana baxsaday. Inta badan tahriibeyaasha baxsadka ah oo ay xireen ciidamada ilaalada garoonka ayaa lagu wareegiyay booliska, sida uu shaaciyay wargeyska maalinlaha ah ee Mallorca. Qaarkood waxaa lasoo qabtay iyagoo u lugeynaya magaalada ugu dhow garoonka diyaaradaha ee Manacor. Tirada guud ee dadka ka cararay diyaaradda waxay ahayd 24 qof, waxaana ka mid ah qof loo xiray dagaal uu ka sameeyay diyaaradda dhexdeeda. Qiyaastii 60 duullimaad oo isugu jiray kuwo maxalli ah iyo kuwo caalami ah ayaa laga weeciyay garoonka inta uu u xirnaa qalalaasahaas awgiis. Diyaaradda Air Arabia ayaa markii dambe sii wadatay duullimaadkeeda ku wajahnaa waddanka Turkiga, iyadoo qaadday rakaabkii usoo haray. https://www.bbc.com/somali/war-59198623 +politics George Floyd: Soomaalida takoorka dhexdeeda ka jira ma uga damqataa sida kan ka jira meelaha kale? "Waxaa wali ka socda dalka Mareykanka dibadbaxyaddii ka dhashay dilkii nin madow ahaa oo lagu magacaabo George Floyd. Mr Floyd ayaa geeriyooday ka dib markii askeri caddaan ah uu qoorta uga istaagay ka dib -na uu geeriyooday. Geerida George Floy waxaa ka dhalatay caro horseeday dibadbaxyo rabshada wata. In ka badan 75 magaalo ayey mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka George Floyd ka socdaan. Waddooyinki maalma badan oo hawanayey xayiraadaha corornavirus awgii waxaa buux dhaafiyey mudaharaadyo tira badan oo garbaha isku haya. Goobaha ay dibadbaxyada waawayn ka dhaceen waxaa ka mid ah gobolka Minneapolis ee ay soomaalida ku badan islamarkana ah goobtii uu ku dhintay George Floyd. Soomaalida ayaa kaalin wayn ku leh dibadbaxyadan caddaaladda loogu raadinayo George Floy, waxaana la arkayay dhilinyaro haween soomaali ah oo watta boorar ay ku qoran yihiin erayo muujinaya sida ay uga xun yihiin dilkaasi lo gaystay ninkaasi madowga ah. Balse waxaa jirta su'aalo ay dad badan oo Soomaali ah is waydiinayaan taasi oo ku aadan faquuqa iyo takoorka ay Soomaalida gudaheeda isku hayso. Waxaa jira dhacdoyiin badan oo waxyeelo loogu gaystay dad Somaali ah kuwaasi oo la xiriiray Heeb-sooc iyo faquuq taasi oo aysan jirin cid Soomaali ah oo ka dhiidisay. Tusaale haddii aan u soo qaadano dhacdadii ugu dambeysay ayaa ahayd tii sida arxan darada ah loo dilay Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo). Dilkaasi waxaa uu dhacay bartimihi bishii September ee 2018, balse ma jirin cid dhigtay dibadbax ay ku muujinayso sida ay uga xuntahay. Malin Khamiis ah ayey ahayd markii si foolxun loogu dilay xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho marxuum Axmed Dowlo oo aan wax shaqo ah ku lahayn sababta dilkiisa. Baangado, eebooyin, iyo ugu dambayn dab iyo baasiin ayey isugu dareen dad ilaa shan qof gaaraya oo ugu yaraan laba ka mid ah la sheegay inay dumar ahaayeen. Sababta la sheegay in loo dilay ee ay cid kasta ka naxday ayaa lagu sheegay in wiil ay qaraabo yihiin oo ka soo jeeda beesha jareer weyne uu gabar ka guursaday beel ka mid ah kuwa ku xooggan Muqdisho. Wararku waxay sheegeen in sidii dhaqanku ahaa ay gabadha adeerradeed bixiyeen, laakin abtiyaasheed oo iyagana ka soo jeeda beelaha ku xooggan Muqdisho ay ka biyo diideen, sidaa darteedna ay bar-tilmaameed ka dhigteen Axmed Dowlo oo hawlmaalmeedkiisa ku jiray. Marxuumka ayaa ifka uga tegey laba xaas, 12 carrur ah, iyo aabihiis oo waayeel ah, shalay ayaana lagu aasay qabuuraha Barakaat ee magaalada Muqdisho. Dilka marxuum Axmed Dowlo wuxuu banaanka u soo saaray arrin aan aad looga hadlin oo ah in haybsooc iyo faquuq uu ka dhex jiro bulshada dhexdeeda, sidaasoo ay tahayna aan laga hadlin. Alle ha u naxariistee Prof Cumar Eno oo ahaa aqoonyahan u ololeyn jiray sidii ay Soomaalida uga gudbi lahayd Heybsooca ayaa mar uu ka hadlayay waxaa uu sheegay in Soomaalida ay iyagu is faqooqaan, balse marka qurbaha la joogo oo ay takoor la kulmaan ay ka caroodaan. ""Waxaan ku shaqeysanaa farsamada gacanta, waxaadna nagu caynaysan inaan farsamada naqaano, ayuu yiri. Waxaa uu sidoo kale sheegay in Soomaalida ay faqooqaan dadka waxtarka u leh bulshada oo wax soo saara, balse ay xushmeeyaan dadka ajaaniibta ah ee soo saara isla waxa ay soo saaraan kuwa gudaha lagu takooro. ""Kabaha ayaa laguu tolay, boors ayaa lagu sameeyay, waxaad xusmeynaysaa Taliyaaniga sameeya kabaha iyo boorsooyiinka gacanta, laakiin kan Soomaaliga ah ee kula jooga ee kabaha iyo mindida iyo birahaba farsameeyo si jogta ah ayaad u takoortaa, ayuu yiri Pro Enow. Soomaalida ayaa si wayn uga dhex muuqata dibadbaxyada ka dhacaya Mareykanka ee looga soo horjeedo dilkii George Floyd. Balse su'aasha ay dad badan is waydiinayaan ayaa ah sababta ay Soomaalida uga dhii-dhin la'yihiin takoorka iyo dhibaatooyiinka la xiriira heysooca. Guuleed Axmed Jaamac oo ka mid ah dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa rumaysan in Soomaalida aysan arkin dhibaatada dhexdooda ka jirta oo ay u jeedaan dhibaatada dadka kale loo geysto. ""Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa Maroodiga Takarta saaran ma arko tan midka kale ayuu arkaa"", ayuu yir Mr Guuleed. ""Soomaalida waa in marka kowaad aragtaa takoorka iyo heybsooca joogatada ah ee maalin laha ah ee bulshada Soomaaliyeed ee kale ee iyaga ka mid ah ay u geysanayaan inay arkaan weeye inay taas ka dhiidhiyaan weeye,"" ayuu yiri. Soomaalida ayaa siyooba kala duwan isu heybsoocda, waxaana ka mid ah Heybsooca dhanka guurka. Waxaa sidoo kale ka mid ah in dadka la heybsooco aan matalaad laga sin dhanka hogaanka siyaasada. Sida uu sheegayo Guuleed Axmed Jaamac oo u ololeeya xuquuqda aadanaha waxaa sidoo kale heysooca loo geysto qeybo ka mid ah bulshada ka dhashay dhibaato dhanka dhaqaalaha ah, caafimaadka iyo waxbarshada. ""Heybsooca waxaa ka dhasha in dadka la heybsooco waxaa ka dhasha in noolashoodii dhaqaale,caafimaad iyo waxbarsho iyo adeegyada kala duwan si wayn u saamaynaysa"", ayuu yiri Mr Guuleed. Heybsooca ka dhex dhaca Soomaalida ayaa ahaa mid soo jireen islamarkana qarniyo badan soo socday. Balse waxa ay su'aashu tahay sababta looga gudbi la'yahay qarniyo badan ka dib. Guuleed Axmed Jaamac ayaa sheegay in heybsooca Soomaalida gudahooda iyo dhibaatada ay isu geystaan aysan jirin cid ka dhiidisa. ""Soomaalida dhib wayn ayay isu geysanayaan oo qabaa'il lagu bartilmaameedsanayo oo haddii la xiro haddi la dilo haddii hantidooda la qaado mid waliba ay baneysanayaan hadana dadka kale ee Soomaaliyeed kama dhiidhiyaan oo isma garab taagaan dadka heybsooca iyo dhibta loo geysanayo"", ayuu intaa ku daray Mr Guuleed. Mr Guuleed ayaa xusay in heybsooca uu si maalinla ah uga dhaco Somaalida dhexdeeda balse aysan jirin cid ka hadasha. ""Waxaad moodaa in ayba ka indha la'yihii takoorka iyo heybsooca ay gudahooda ka sameynayaan oo si maalinla ah u dhaca"", ayuu yiri Mr Guuleed. Ka dib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxay Soomaali badan u hayaameen qurbaha. Soomaalida qurbaha u hayaamay ayaa waxay qaarkood sheegaan in dalalka ay tageen dadkii u dhashay ay kala kulmaan faqooq iyo tagoor Alla ha u naxariistee Prof Cumar Enow ayaa mar uu khudbad jeedinayay waxaa uu sheegay in ardaydii Soomaalida ee uu jaamacada uu macalinka ka yahay dhiganayay ay ka caban jireen midib-takoor ay kala kulmaan caddaanka. Balse waxa uu sheegay in ardaydaasi uu ku yiri, ""ku soo dhawaada adduunka xaqiiqada ah, aniga waxaad gudaha (Soomaaiya) igu soo siiseen tababar,"" oo uu ula jeeday midibtakoorka lagu hayo beelaha la heybsooco. Guuleed Axmed Jaamac ayaa sheegay in Soomaalida qurbajoogta ay tahay inay cashar ka bartaan heysooca ay la kulmaan marka ay qurbaha joogaan. ""Kuwa qurbaha tagay ee arkay xanuunka ay leedahay heybsooca oo marka ay dunada kale tageen lagu heysoocay waa in ay garwaaqsadaan iyaguna waa in ay joojiyaan oo ay ka wacyigaliyaan umadda,"" ayuu yiri Mr Guuleed." https://www.bbc.com/somali/war-52902938 +health "Sida ""aaska qarsoodiga"" ahi u yarayn karo fiditaanka coronavirus" "Waxa Koonfur Afrika laga mamnuucay aasaska ay dadka badani ka qayb galaan waxaanay taasi kaliftay in dadku joojiyaan dhaqamo badan oo aaska la xidhiidha, laakiin waxay dib u bilaabeen dhaqano hore oo ay ka mid yihiin ""aaska qarsoodiga ah"" . Aas keli ah ayaa dadkii ka qayb galay waxa uu coronavirus ku dhacay 40 qof oo dadkii ah. Maarij 21 , todobaad uun ka dib markii Madaxweyne Cyril Ramaphosa ku dhawaaqay in xaalad masiibo qaran ahi in ay dalka ka jirto ee la mamnuucay in dadku isku soo ururaan si loo xakameeyo coronavirus, ayaa qiyaastii 100 oo ka qayb galay aas ka dhacay tuulada Majola oo ku taal gobolka Eastern Cape. Dadka oo lagu aasayo qabuuro cusub oo ku yaalla Muqdisho Isbedbedalka coronavirus ee saynisyahannadu ku dawakheen Maxaad kala socotaa tirada laga yaabo in sanad gudihiis ay Corona ugu dhintaan Afrika? Tuuladaas oo ku taal gobol aan dadku ku badnayn ayaa haatan waxay noqotay xudunta cudurka ee gobolkaas. Aaskaa dhacay 21 Maarij waxa dheeraa laba aas oo kale oo ka dhacay magaalada Port Elizabeth oo dadka cudurka Covid-19 ku dhacay ee gobolkaas ah la sheegay in ay tahay wadartoodu 200 oo qof. Sharcigu haatan wuxu dhigayaa in aan la ogolayn wax ka badan 50 qof in ay ka qayb galaan aaska, laakiin dadka qaar ayaa tiradaa u haysta wax faro ku tiris ah. Af-hayeenka waaxda caafimaadka ee gobolka Eastern Cape, Sizwe Kupelo, ayaa sheegtay in qaraabada dadku ka dhintaan ""diidayaan"" amarka maamulka ka soo baxay, taasina keento in cudurku dadka ku sii fido. Way adagtahay in la bedelo dhaqamadan ku xididaystay bulshada, waxaana jira war tibaaxaya in aasas ay dad faro badani ka qayb galayaan dhacaan. ""Aasasku, sida aroosyada oo kale iyo xafladaha gudniinka ee dhaqameedku bulshadu muhiim ayay u tahay, waxay saameeyaan marxaladaha ugu mudan nolosha qofka"" ayuu yidhi Professor Somadoda Fikeni oo xeel dheere dhaqanka ahi. Dadka madow ee reer Koonfur Afrika badankooda aasaskoodu waxay isugu jiraan dhaqamo Afrikaan iyo kuwo Masiixi ah. Marka qoyska qof ka dhinto, dadku meelo dhaadheer ayay uga soo socdaalaan si ay uga qayb galaan aaska, waxaana la fadhiyaa maalmo badan oo tacsi ah. Waxa ka mid ah dhaqanka in qoyska qofku ka dhintay la samir siiyo oo wixii taakulo ah ee loo awoodo la siiyo. Eheladuna qof kasta oo u yimaad way soo dhaweeyaan. Maalinta aasku dhacayo, boqolaal qof ayaa iskugu yimaad kaniisadda oo is ag fadhiista. Marka hawsha aasku dhamaato ayaa dadkii goobta iskugu yimid hadana saf dheer u galaan cunto boqolaal qof. Hadana markaasay martidu meel wax ku wada cunaan iyagoo hadna is ag fadhiya. "" Waa goorta fayrasku fido ee dadka u kala gudbo"" ayuu yidhi Fikeni. Boqortooyada dhaqan ee AmaMpondomise waxay xukuntaa afar magaalo oo kala ah Qumbu, Tsolo, Ugie iyo Maclear iyo tuulooyinka ku hareeraysan. ""In dib loo soo celiyo habkan qadiimka ahi waxay ka dhitantahay in aaska ay ka qayb geli karaan oo keli ah ehelka ugu dhaw qofka dhintay. Marka la aasona qoysku waxay qabanayaan xaflad kooban oo is daahirin ah inta aanay ka soo tegin goobta xabaasha"" ayuu yidhi Ranuga. Waxayna taasi keenaysaa in ay yaraato halistii fiditaanka coronavirus, dadka qaar ayaa taageersan in la soo celiyo dhakhankaa qadiimka ah ee la yidhaa ukughusheka, sababta oo ah qoyska tacsidu u taal qudhiisa ayaa kharashku ka yaraanayaa. Fekeni wuxu sheegay in ay arin muhiima tahay in qorshaha lagu daro in dadka murugaysan la siiyo talo caafimaad oo nafsi ah. ""Waxa suurto gal ah in loo baahanyahay in si uun dadka talo caafimaad oo nafsi ah loo siiyo weliba kuwa duruufahani ku dirqiyeen in aanay ka qayb galin aaska dadka ehelkooda ah ee dhintay"". Laakiin baahida loo qabo in la helo hab cusub oo loo maro aasasku maaha baahi ku kooban miyaga oo keli ah. Magaalooyin badan oo ay kooban yihiin goobaha xabaaluhu ayaa jira, waxaanay saraakiishu welwel ka qabaan in dadka badan ee aasaska ka qayb galayaa cudurka fididiisa kordhin karaan. Isbedelladaas oo dhami wax qudha ayuun bay sheegayaan, kaas oo ah in dhaqanka iyo hiddaha hodanka ah ee Koonfur Afrika. Waa dhaqannka xoogga saaraya wada jirka iyo wada joogga oo ah waxa keliya ee Fayrasku ku fido." https://www.bbc.com/somali/war-52598377 +entertainment Kanye West: Waxa laga ogyahay - iyo waxa aan laga ogeyn - xaaladda heesaagan caanka ah "Arrimaha dhowr ah oo ku saabsan fannaanka caanka ku ah heesaha Rap-ka ah qaada ee u dhashay dalka Mareykanka, Kanye West, ayaa la garanayaa. Fannaanka heesihiisa waxay dhowaan noqdeen kuwa loogu gadashada badan yahay. Guurgiisa gabadha barnaamijyada Reality Tv qabata ee Kim Kardashian waxay ka dhigtay mid ka mid ah dadka ugu caansan dunida. Kanye West waa aabbe guul ka gaaray xayeysiinta dharka. Waxaa sidoo kale lagu karanayaa fikradihiisa adag ee uusan la gaban, qaarkoodna ayba muran dhaliyeen. Xilli hore, wuxuu madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush ku eedeeyay cunsurinimo xilli uu barnaamij TV oo toos ah uu ka qeybgalayay. Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha hadda uu leeyahay ""tamarta mas-duulaaga"". Dhowaan ayuu ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka madaxweynaha, mana ahan markii ugu horreysay oo arrintaas shaaciyo. Arrimahaasi oo dhan oo isbiirsaday ayaa Kanye West ka dhigaya shaqsi farta lagu fiiqo oo bulshada si weyn uga dhex muuqda. Arrinta ugu muhiimsan ee aan waxba laga ogeyn waxay tahay waxa maskaxdiisa ka guuxaya. Iyadoo aan waxbadan laga ogeyn, haddana waa in la xusuusto ololihiisa madaxtinimo ee dhowaan uu billaabay iyo farriimo Twitter oo isdaba joog ahaa. Kulammada, iyo farriimaha baraha bulshada la soo dhigo ee ololahiisa ku saabsan waxaa ka dhashay hadalhayn aad u weyn. Kanye West dabeecadihiisa waxaa lagu timaamay ""kuwo jahwareer ah."" Haddaba maxay yihiin tallaabbooyinka uu qaaday fannaankan? Xaaladdiisa wey adagtahay marka la eego xaqiiqooyinka ka sooo ifabaxaya, waxayna dhashay shaki la xiriira caafimaadkiisa dhanka maskaxda. Mr Kanye wuxuu sannadkii hore sheegay inuu maskax ahaan yara xanuunsan yahay. Arbacadi shalay ahaydna, xaaskiisa Kim Kardashian, waxayarrintaas si rasmi ah ugu shaacisay barteeda Instagram. ""Sida aad intiinna badan ogtihiin, Kanye waxaa ku dhacay xanuun dhimirka ah, marka qofka cilladda noocaas ah qaba qofka la nool sida ay xaaladda ugu adkaan karto una xanuunjineyso waa la fahmi karaa,"" ayey tiri. ""Waa nin maskax fiican haddana aan la fahmi karin, mararka qaar hadalladiisa iyo ereyada uu adeegsado ujeeddada uu ka leeyahay lama fahmayo"", ayey sii raacisay. Xaaladuhu wey kala duwan yihiin shaqsiyaadka astaamaha noocaas ah leh waxaa si aad ah isu bedbedela dabeecadahooda, gaar ahaan bukaannada la ildaran niyad jabka ee isku buuqsan maskax ahaan. Farriimo badan oo ka soo baxaya khubarada caafimaadka maskaxda ku takhasusay, waxay sheegayaan in ay jiraan arrimo caddeynaya ama astaamo muujinaya in qofka uu xaaladaha noocan ah uu la kulmi karo, si kasta oo uu caan u yahay. Waxay sheegayaan in loo baahan yahay in la ballaadhiyo fahamka ay bulshada ka qabto caafimaadka maskaxda. Waa in aad ka fekertaa dhammaan dadka kale ee dunida ku nool oo laga yaabo inay la halgamayaan xaalado adag oo aadna ka fikirtaa micnaha dhibkan uu leeyahay, si aragtida dadweynaha looga soo dhaweeyo,"" ayuu yiri, Peter Kinderman, oo ah barafasoor ka howlgala Jaamacadda Liverpool. Barafasoor Kinderman wuxuu sheegay in dabeecad aan qofka looga baran oo lagu arko aysan muhiim ahayn, balse ay fiican tahay in isbeddel kasta oo qofka ku yimaaddaba aan lala xiriirinin caafimaadka maskaxda. ""Xaqiiqooyinka ku tiirsanow, la soco waxa ay dadku sameynayaan, hana u maleynin xanuunnada maskaxda inay ka yimaaddaan dabeecadaha dadka oo keli ah,"" ayuu yiri. ""Wacyigelinta iyo ka wadahadlidda caafimaadka maskaxda in la ballaadhiyo waxay yeelaneysaa saameyn wanaagsan,"" ayey tiri Dr. Carolyn Keenan oo ah la taliye dhinaca cilmu-nafisga. Waxay sheegtay in xaaladda noocan ah ay u baahan tahay in la kala saaro magaca uu qofku leeyahay iyo xaaladda maskaxeed ee uu wajahayo. ""Waxaan u maleynayaa qof kasta oo ka tirsan bulshada ama shaqsiyaadka magaca leh, in looga baahan yahay inay xusuustaan in wax kastaba aysan xog ogaal u ahayn. Qof aadan xalladdiisa xog buuxa ka haynin, in aad fikir ka dhiibato way adag tahay, sababta oo ah waxaad ka fikir dhiibaneysaa wax aadan la socon."" Shacabka waa inay jawaabta ay siinayaan noqotaa ""mid cajiib ah oo ay naxariis ku dheehan tahay, waa haddii ay u baahdaan inay u jawaabaan Kanye West,"" ayey tiri. Fikirka naxariista leh wuxuu meesha ka saarayaa ficilka liddiga ku ah ee naxariis darrada ah, halka ay hadallada xun ay abuurayaan walwal dhalin kara in si qotodheer looga wadahadalo arrintan iyo arrimaha ku lug leh. Jawaabta ay sida weyn bulshadu u wadaagtay wuxuu ka yimid fannaanadda Jalsey, waxayna ku baaqday in la fahmo halganka ay kula jirto waxyeellada dhinaca maskaxda ah. Waxay tilmaamtay in dadka dhibaatooyiinka noocaas ah la kulmay waxay dareemayaan ""haddi aynaan fahmi karin fadlan ka aamus"", ayey tiri." https://www.bbc.com/somali/war-53509867 +religion Shan arrimood oo ku saabsan masaajidka fanaanka caanka ah ee funaanaddiisa lagu sawiray Nin naqshadeeya dharka oo u dhashay Mareykanka ayaa raali gelin ka bixiyay kadib markii uu funaanad u naqshadeeyay fanaanka caanka ah ee Jay-Z, waxaana funaanadda ka muuqday sawirka masaajidka Riyaadha ee ku yaalla Laamu. Culimada masaajidka waxay dhawaan sheegeen in aysan ogoleyn in sawirka masaajidka lagu xardho funaanad laga yaabo inay ku dambeyso baararka. Culimada ayaa soo dhaweeyay raali gelinta uu ka bixiyay ninkii funaanadda naqshadeeyay. Ninka dharka naqshadeeya oo lagu magacaabo Zeddi Loki wuxuu sheegay in sawirka uu uga dan lahaa in muuqaalka magaalada Lamu uu dunida u bandhigo. Magaalada Lamu ayaa ah magaalo taariikhi ah, waxayna ku jirtaa diiwaanka meelaha ha'yadda Qaramada Midoobey ee dhaqanka iyo tacliinta ee UNESCP ay u aqoonsatay inay kamid yihiin goobaha taarikhiga ah. Qarnigii 19-aad, masaajidka Riyaadha wuxuu kamid ahaa gobihii loo dalxiis tegi jiray. Waxaa masaajidka ku xardhan qoraallo muujinayo in masaajidka uu jiray tan iyo 1837, wuxuuna kamid yahay xarumaha ugu da'da weyn ee lagu barto diinta Islaamka ee bariga Afrika. Abu Bakar Badawi oo ah xoghayaha guud ee masaajidka Riyaadh ayaa sheegay in dad badan ay ka caroodeen tallaabada uu qaaday ninkan dharka naqshadeeya. Wuxuu sheegay in dadka qaar ay u maleeyeen in maamulka masaajidka uu wax ka ogaa in funaanadda loo naqshadeeyay fanaanka uu kasoo muuqdo sawirka masaajidka. Masaajid maamulkiisa la’isugu haysto awood qeybsiga 4.5 Masaajid Masar ku yaalla oo lagu dilay ugu yaraan 230 ruux Masaajid lacag badan ku caawiyay qoys masiixiyiin ah oo ay ku dhacday musiibo aan la maleysan karin Wuxuu kamid yahay goobaha ugu qaddiimsan Bariga Afrika ee lagu barto diinta Islaamka Waxaa masaajidka ku xardhan qoraallo muujinayo in uu jiray tan iyo sanadkii 1837. Wuxuu kamid yahay masaajidka meelaha ugu soo jiidashada badan ee Lamu. Waana meelaha sida weyn loogu xuso dabaaldegga mowliidka. https://www.bbc.com/somali/56679156 +entertainment Salman Khan: Waxaan la yaabanahay sababtii iskuulka la iiga eryay "Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Salman Khan ayaa qirtay inuu ""ku madax adkaa"" waalidiintiisa, Salim Khan iyo Salma Khan, sidoo kalena iskuulka uu dhiganayay laga eryay isagoo marayay fasalka afaraad. Xiddigan ayaa arrimahan sheegay xilli uu ka hadlayay bandhigga ""Tara Sharma"", halkaasoo uu ka ahaa marti sharafkii ugu horreeyay. Warbaahinta dalka Hindiya ayaa si weyn u hadal heysa sheekadan ku saabsan noloshii yaraanta ee Salman. Markii ay Tara weydiisay Salman su'aal ku saabsaneyd sidii uu yaraantiisa ahaa ayuu yiri: ""Markaan yaraa, waan dhibi jiray waalidiinteyda, aad bay iigu rafaadi jireen, walina sidii ayaan ahay, ilaa hadda dabeecaddaas waan leeyahay"". Wuxuu isagoo hadalkiisa sii wata sheegay inuu mar walba jeclaa waalidiintiisa, ayna aad isugu dhawaayeen. ""Taasi waa sababta aan xanuunka u dareemo mar kasta oo aan xaaladdaas soo xasuusto"", ayuu yiri. Salman Khan ayaa dhanka kale ka hadlay qaar ka mid ah marxaladihii uu soo maray markii uu iskuulka dhiganayay, isagoo sheegay in ""la eryay"" xilli uu ku jiray fasalka 4-aad ee dugsiga hoose. ""Run ahaantii ma aqaanno waxa khaldan ee aan sameeyay marka aan soo korayay, waana la yaabanahay sababtii la iiga eryay iskuulka anigoo fasalka afaraad ku jira. Waxaa la ii gudbiyay iskuul kale, markaas ka dibna waxay iskuulkeygii hore ka codsadeen inuu dib ii qaato"", ayuu yiri Khan. Atoorahan ayaa intii uu sheekadaas waday wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday dhacdo dhex martay macallinka maamulaha ka ahaa mac-had uu dhiganayay. Wuxuu sheegay in maamulaha uu carooday markii uu Salman u gambiyay cashirkii maaddada seyniska. ""Bannaanka ayuu igu sugayay isagoo ul heysta, wuxuuna iisii istaagay albaabka weyn agtiisa! Wuu ogaa inaan wax kale ku mashquulsanaa"", ayuu yiri. Filimkii ugu dambeeyay ee uu soo saaray Salman Khan, oo lagu magacaabo Dabangg 3 ayaa dhowr maalmood gudahood kusoo xareeyay dhaqaale aad u farabadan. Iyadoo 4 maalmood kaliya laga joogo markii uu soo baxay filimkan, wuxuu guulo weyn kasoo hoyiyay gudaha Hindiya, mana aysan hoos u dhigin mudaharaadyada sharciga dhalashada looga soo hoirjeedo ee ka socda waddankaas. Dibadbaxyadaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxyeello ballaaran gaarsiiyay ganacsiga guud ahaan Hindiya. Dabangg 3, oo uu hagay Prabhudeva, waxaa sidoo kale jilliinkiisa ka qeyb qaatay atariishada Sonakshi Sinha iyo Saiee Manjrekar, oo filimada ku cusub. Salman ayaa sidoo kale lagu arkay barnaamijka bandhigga runta ah ee Bigg Boss 13. Bigg Boss ka dib Salman wuxuu billaabi doonaa jilista filimka lagu magacaabay Prabhudeva's Radhe. Waxaa la filayaa inuu filimkaas soo baxo sanadka 2020-ka gudihiisa." https://www.bbc.com/somali/war-50912172 +health Haweenay soddon jir ah oo lagu sheegay xinniinyo rag oo u qarsoon "Noloshooda caadi ayay ahayd, waxayna lammaanahaan isku dayeen waddo kasto oo ay ilmo ku heli kareen. Dhowr bilood ka hor, haweeneyda ayaa aadday dhakhtar iyadoo ka cabaneysay xanuun dhanka caloosha ah. Hase yeeshee waxa uu dhakhtarka ogaaday baaritaanka ka dib ayaa badalay guud ahaan nolosheeda. Waxaa la ogaaday in haweeneyda ay nin ahayd oo aanay ahayn haweeney dhaleysa, waxay lahayd xaniinyo aanan bannaanka laga arkaynin inkastoo sidoo kale lagu sheegay xanuunka kansarka. Dhakhaatiirta ayaa sababta ku sheegay inay qabtay dhibaato la xiriirta hoormoonkeeda kaas oo loo yaqaano Androgen Insensitivity Syndrome (AIS). Dhibaatadan ayaa 22,000 oo qofba hal qof ayaa la kulma. Dhowr bilood ka hor, Netaji Subhash Chandra Bose, oo ah haweeney ka soo jeeda degmada Birbhum, ayaa soo gaartay Isbitaalka Bose Cancer Hospital ee Kolkata iyada oo ka cabanayasa xanuun dhanka caloosha ah. Sida lagu sheegay warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee PTI, dhakhtar ku takhasusay umulinta oo la yiraahdo Dr. Anupam Dutta iyo dhakhtarka qalliinka Soumen Das ay baaritaan ka dib, waxay ogaadeen jinsiyadda dhabta ah ee bukaanka inuu yahay rag maadama uu leeyahay xanniinyo qarsoon. Sida laga soo xigtay Dr. Dutta, ""Waxay u egtahay qof dumar ah, codkeeda, naasaha iyo xubnaha taranka waa sida haween caadi ah. Si kastaba ha ahaatee, iyadu ma leh ilmo -galeen ama ugxan. Intaas oo keliya maahee, weligeed caadado ma helin "". Intii baaritaanka lagu jiray, waxaa la ogaaday in ay la il daran tahay seminoma (kansarka xiniinyaha). Haweeneydan ayaa lagu arkay koromosoom XY halkii laga rabay inay lahaato koromosoom 46 XX oo ah kan dumarka caadiyan lagu garto. Haddii haweeneydu ay lahaan la ahayd qeybta dhalmada, dhibaatadan waxaa lagu sixi kari lahaa qalliin. Xanuunkan xasaasiga ah ee androgen -ka ayaa sababa in xubniha taranka ee ilmaha ay fashilmaan. Jidhku uma jawaabo sida hormoonnada labka ah ee androgen -ka sidaa darteed waxay leeyihiin astaamo la mid ah kan dumarka. Xaaladdan waxaa caadi ahaan loo yaqaan 'androgen insensitivity syndrome' (CAIS). Waxaa la ogaadaa marka uusan dhiigga caadada ka imaanin gabadha iyadoo qaangaadhay, marka timaha xubinta taranka ama kilkilaha hoostooda aysan u soo bixin. Markuu ilmuhu weynaado, wuxuu u baahan yahay talo badan. Xaaladaha qaarkood, daaweynta hoormoonka iyo daaweynta kale ayaa wax ka beddeli kara koritaanka xubinta taranka. Waalidiintu waxay go'aan ka gaari karaan xaaladdaan iyagoo u maraya talo caafimaad iyo daaweynta bilaabaneysa iyadoo ku saleysan jinsiga (lab ama dheddig) ee ugu habboon. Muddadan, ilmuhu wuxuu u baahan yahay la -talin maskaxeed. Markii dhakhaatiirtu baaritaan ku sameeyeen gabadha walaasheed oo 28 jir ahayd, waxay kaloo ogaadeen inay iyaduna leedahay AIS. Intaa waxaa dheer, laba eeddayaasheed ah ayaa iyagana laga helay AIS. Maya hadda waxay ku jirtaa kiimoterabi oo xaaladeedu waa caadi. Sida uu sheegay Dr. Dutta, ""Waxay soo kortay iyadoo haween ah. Waxay guursatay nin ku dhawaad ​​toban sano is qabeen. Markaa waxaan kula talinaynaa bukaan ahaan iyo ninkeeda. Waxaan kula talinay inay ku noolaato nolol caadi ah maadaama ay tan ku noloshaan ku nooleyd waqti dheer"". Wuxuu yiri, ""Xiniinyaha jirkeeda ku jira ma aysan korin, taas oo sababtay inuu soo saaro testosterone. ""Testosterone waa hormoon go'aamiya ragganimda, waxay sidoo kale sameeyaan unugyada taranka. "" Dhaqaatiirta ayaa sheegay in haddii labada gabdhood ee walaalaha ah iyo eeddadooodba ay qabaan xanuunka AIS, waxaa suuragal ah in cudurka laga dhaxlo. Badanaa hooyada ayaa u gudbisa ilmaha. Dadka leh cilladda noocan ah inta badan ma awoodaan inay dhalaan, laakiin waxay ku noolaan karaan nolol caadi ah inta ay ku nool yihiin." https://www.bbc.com/somali/war-58058959 +technology Google oo maalin kasta ka hortagta 18 malyan oo ah farriimo ka yimid burcad "Kooxaha burcadda ah ee jabsada baraha internet-ka iyo Email-lada waxay 18 malyan oo farriin oo ku saabsan xannuunka Covid-19 u diraan dadka maalin kasta isticmaala barta Gmail-ka, sida ay sheegtay shirkadda Google. Shirkaddan weyn waxay sheegtay in cudurka safmarka ah ee coronavirus uu horseeday inay soo kordhaan weerarrada kooxaha jabsada xogta barta internet-ka kuwaas oo dadka u soo dirayo farrimo si ay u dhacaan xogtooda. Shirkadda waxay sidoo kale sheegtay in meesha ay ka saareyso 100 malyan oo farriin ah oo ka timid kooxahan dhaca geysta. Dhibaatada ka dhalatay fayraska waxay horseeday weerarkii ugu weynaa oo ay geystaan kooxaha dhaca ka geysta internet-ka, sida ay sheegtay shirkaddan teknooloojiyadda. Barta Email-lada ee Gmail waxaa adeegsadaa in ka badan 1.5 bilyan oo qof. Waxay dadka qaar ee isticmaala internet-ka u soo direen Email-lo dhowr ah oo ay isaga dhigayaan sida mas'uuliyiin ka tirsan Ha'yadda Caafimaaka Adduunka, iyagoo isku deyaya in dadka uu xanuunkan saameeyay ay kaga dhaadhiciyaan inay soo dejistaan barnaamijyo ama inay wax ku tabarucaan. Kooxaha dambiyada ka geystaa internetka waxay isku deyayaan inay ka faa'ideystaan tageerada dhaqaale ee ay dowladaha bixiyaan si ay isaga dhigaan ha'yadaha dowladda ee deeqda gaarsinaya shacabka. Shirkadda Google waxay ku anddacoontay in qalabkeeda xogta uu suurogeliyay inay qabato ayna tirto boqolkiiba 99.9% Email-lo been abuur ah oo loo diray macaamisheeda oo looga gollahaa in lagu jabsado xogtooda. Waxaa sare u kacay xilligan lagu gudo jiro fayraska safmarka ee Covid-19, weerarrada ay geysanayaan kooxaha dhaca ka geysta barta internetka, sida ay sheegayaan shirkadaha la socda amniga online-ka. Shirkadda Barracuda Networks waxay sheegtay in boqolkiiba 667% ay sare u kaceen farriimaha la isugu dirayo Email-lada been abuurka ah xilligan uu dunida ka taagan yahay Covid-19. Kooxaha burcadda internet-ka waxay Email-lo been abuur ah iyo farriimo u dirayaan dadka iyagoo iska dhigaya in ay matalayaan dowlad, Ha'yadda Caafimaadka Adduunka, xarunta ka hortagga cudurrada iyo xitaa shaksiyaad ka tirsan dowladda Mareykanka oo uu ka mid yahay madaxweyne Donald Trump. ""Weerarrada kooxahan waxay ka siman yihiin in ay horseedaan kicin bulsho ama dareen sababi kara in aad tallaabo qaaddid ama in si hoose aad uga fakartid ficiladaada xilliggaas,"" waxaa sidaas yiri Scott Helme oo cilmi baare madax bannaan ah oo dhanka amniga internet-ka ah qaabilsan. ""Dhibaatada coronavirus waa mowduuca ugu weyn ee dhaliyay dareen shacabka, sidaa darteed kooxaha dambiyada ka geysta internet-ka wey la socdaan arrintan, waxay ku rajo weyn yihiin in dadka ay gujiyaan farrimaha loo soo diray ama inay raacaan talooyin khaldan si ay dabbin ugu dhigaan."" Khuburrada waxay sidoo kale arkeen baro internet ah oo been abuur ah iyo adeegyada qaar oo aanan been abuur aheyn oo faafinaya macluumaad ku saabsan coronavirus. Mid ka mid adeegyada ayaa ku sheegtay in dadka ay ka caawinayaan la socodka wararka fayraska balse waxay dhac u geysanayaan teleefoonada isla markaana waxay weydiisanayaan lacag si ay dib ugu soo celiyaan xogta. Toddobaadkii lasoo dhaafay, waaxda qaran ee arrimaha nabadgeliyada internet-ka ee UK iyo waaxda arrimaha gudaha Mareykanka waxay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ku sheegayeen inay arkeen in weerarrada kooxaha burcadda internet-ka ay sare u kacayaan isla markaan ay ka faa'ideysanayaan dhibaatada Covid-19." https://www.bbc.com/somali/war-52351643 +technology 'Qof walba oo sawirkan arkay wuxuu aaminay inaan geeriyooday' "Maxamed Zubair, oo si arxan darro ah loogu garaacay rabshadihii Muslimiinta iyo Hinduuga ee magaalada New Delhi, wuxuu BBC-da uga warramay xaaladdii adkeyd ee uu soo maray, iyadoo dadkii sawirkiisa ka arkay daafaha dunida ay u maleynayeen inuu ku dhintay dhacdadaas. Sawirkaas oo uu qaaday wariye ka tirsan Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku faafay baraha bulshada, wuxuuna astaan dhab ah u noqday rabshadihii caasimadda Hindiya gilgilay bishii lasoo dhaafay ee February. Waxaa sawirka laga arkayaa Maxamed, oo Muslim ah, oo ay rag Hinduu ah ku hareereysan, iyagoo ulo waaweyn ku garaacaya. Maxamed wuu ka badbaaday dhacdadaas naxdinta leh, oo ka dhacday waqooyiga-bari ee Delhi, inkastoo dadkii weerarka u geystay ay uga tageen meyd ahaan, kaddib markii uu miyir beelay. Hase ahaatee wuxuu qabaa dhaawacyo aad u culus, maalmo ayuuna ku jiray isbitaalka. Waxyaabaha uu ka xasuusto weerarkaas argagaxa leh ayuu uga warramay BBC-da. ""Kumannaan qof ayaa rabshadaha sameynayay, kuwo badan oo ka mid ahna aniga ayey igu goobteen, oo ay garaacitaan igu billaabeen. Biro dhuudhuuban iyo ulo ayey ila dhacayeen, markii dambena waan miyir daboolmay"", ayuu yiri. Maxamed wuxuu sheegay in la weeraray isagoo gurigiisa dib ugu sii laabanaya, xilli uu kasoo baxay Masaajid, 23-kii bishii Februaruy, 2020-ka. ""Qof walba oo guriga joogay wuxuu iga filayay inaan imaado anigoo nacnac wada. Waxaan horay usoo gaday rooti iyo xoogaa nacnac ah. Anigoo aad guriga ugu soo dhow ayaan maqlay dagaal la sheegayay inuu u dhaxeeyay Muslimiin iyo Hinduu. Islamarkiiba waxaan ogaaday in kumannaan qof oo ulo iyo dhagaxyo wata ay weerarro geysanayeen. Waxaan isku dayay inaan dib u laabto laakiin qaarkood ayaa i arkeen, isla durbadiina way i hareereeyeen"", ayuu yiri Maxamed. Wuxuu sheegay in isagoo madaxiisa uu dhiig ka daadanayo lasii garaacayay. Ugu dambeyntii kuwa weerarka u geystay waxay u maleeyeen inuu geeriyooday, isagoo waddada yaalla ayeyna ka tageen. Dad kale oo u gurmaday ayaa goor dambe goobtii ka qaaday, waxayna geeyeen isbitaalka, sida uu BBC-da u sheegay. Muddo afar maalmood ah hooyadiis looma oggolaanin inay wiilkeeda aragto. ""Hooyadey si aan kala joogsi lahayn ayey u barooraneysay, qof walba oo qoyskeyga ka tirsanna wuu iga walwalsanaa. Ma jirin qof arkay sawirkeyga oo u maleynayay inaan noolaaday"", ayuu yiri. Sidaasoo ay tahay, Zubair wuxuu sheegay in dhacdadaas aysan waxba ka baddalin fikirkiisii dhinaca bani'aadannimada. ""Jirkeyga unbey jajabiyeen mooyee damiirkeyga ma aysan burburinin, dhacdadan lama xiriirinayo wax fikir diimeed ah, dadka ficillada noocaas ah sameeya diin gaar ah laguma xisaabin karo"", ayuu yiri Maxamed Zubair." https://www.bbc.com/somali/war-51873357 +technology Diyaaradda wax basaasta ee hawada ku jirtay 65 sano "Diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Drones-ka iyo Sattelite-ka ayaa la doonayay in lagu baddalo diyaaradda caanka ah ee wax basaasta ee loo yaqaanno U-2 taas oo soo qabatay shaqo aysan qaban karin diyaaradaha kale ee caadiga ah. Diyaaraddan U-2 oo haatan 65 jir ah ayaa loogu magac daray Lockheed, waana diyaarad u gaar ah ciidamada cirka ee Mareykanka- waana diyaaradda ugu adag marka ay timaaddo in la raaco, waxaana sidoo kale loo yaqaanaa ""The Dragon Lady"" Diyaaradda U-2 waxay leedahay matoor xooggan iyo baalal fidsan, waxaana loogu talagalay inay duqeyso diyaaradaha kale ee maraya hawada sare in ka badan ilaa 21 kiiloomiitir. Kelly Johnson, oo ahaa injineer u dhashay Mareykanka iyo kooxdiisa ayaa bilaabay howgal qarsoodi ah oo ay ku sameeyeen diyaaradda Lockheed U-2. Johnson iyo kooxdiisa waxay ahaayeen injineeradii ugu horreeyay ee diyaarad u sameeyo ciidamada cirka Mareykanka sanadkii 1943-dii, waxayna diyaaradda ku sameeyeen 143 maalmood. Dabayaaqadii sanadkii 1954-kii, waxay injineeradaas isla meel dhigeen qorshe ku aadan sidii loo sameyn lahaa diyaarad wax basaasto. Diyaaraddan waxay gaari kartaa 70,000 oo joogga hawada sare ah, waxayna qaadi kartaa qalab culeyskiisu yahay 212 Kiilo. Waxaa markii ugu horreysay hawada loo diray 1-dii bishii Agoosto sanadkii 1955-tii, xilligaasoo ay ka kacday garoon ku yaalla deegaan miyi ah oo ka tirsan gobolka Nevada. Waxaa markaas caddaatay in Johnson iyo kooxdiisa ay la yimaadeen fikrad naadir ah oo dhaqan gashay. Sheekada ku saabsan diyaaradda U-2 waa mid xiiso gaar ah leh. Sanadkii 1966-kii, 15 kamid ah 55-tii diyaaradood ee U-2 ayaa howl galayay, waxaana siddeetamaadkii dib loo bilaabay soo saarista diyaaradda. Waxay aheyd shaqo adag iyadoo xilliggaas injineeradii sameeyay diyaaradda ay badankood noqdeen howlgab. Markii dib loo bilaabay soo saarista diyaaradda waxaa la sameeyay diyaarad lamid ah U-2 balse boqolkiiba 40 ay ka weyntahay diyaaraddii hore maadama la ballaariyay si ay wax badan u qaaddo, gaar ahaan qalabka iyo inay fulin karto howlgallo kala duwan. Diyaaradda U-2 ee maanta jirta waxay ka awood badan tahay diyaaraddii noocii hore ee la sameeyay. Sanadihii sagaashamaadkii ayaa mar kale dib loo casriyeeyay diyaaradda, tallaabadaasi oo soo socotay ilaa maanta. ""Waxaa mar kasta la ii weydiya ayaa ah, maxay tahay sababta ay u qaban kari la'dahay waxa ay qabato diyaaradda U-2, markaa haatan waxay leedahay awood cajiib ah,"" ayuu yiri Chris Pocock oo ahaan jiray weriye hore oo qaabilsanaa arrimaha duulimaadka, ahna qoraaga buug ka hadlaya diyaaradda U-2. U-2 waxay horseedday in la adeegsado qalabka isgaarsiinta ee soo gudbiya macluumaadka sir-doonka ah ee gaarsiiya xarumaha dhulka ku yaalla, waxaana xogta laga soo laliyaa kumanaan Kiiloomiitir kaddibna loo soo gudbiyaa Sattelite-ka. Diyaaradda U-2 waxay leedahay hal cillad, taas oo ah in aysan aheyn mid qarsoodi ah, waxay ka dhigan tahay in diyaaradda aysan marin hawada dalal kale iyadoo aanan laga warheyn. U-2 waxaa dhawaan arkay militeriga Shiinaha iyadoo dul mareysa hawada badda koonfureed ee Shiinaha, halkaas oo ay militeriga dhoolatus ku sameynayeen. Northrup Grumman, oo ah qandaraasle ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa dhawaan sameeyay diyaaradda Drones-ka oo si qarsoodi ah howl u fulin karto taas oo u eg diyaaradda nooca B-2 Bomber, dadka qaar waxay rumeysan yihiin in diyaaraddan ay baddali doonto U-2." https://www.bbc.com/somali/war-55275401 +sports Ciyaaraha Online-ka: Wiil la qabsaday ciyaarta PUBG oo hooyadiis intuu dilay meydkeeda xaraystay "Wiil 16 jir ah oo ka mid ah dhallinyarada la qabsaday ciyaarta Online-ka ee PUBG ayaa toogasho ku dilay hooyadiis kaddib markii ay ka hor istaagtay ciyaartaas. Musiibadan ayaa ka dhacday deegaanka Yamunapuram oo ka tirsan gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hndiya, taas oo hoos tagta saldhigga booliska ee Lucknow. Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee PTI, taliyaha booliska, Qasim Abidi, oo dhacdadan faahfaahin ka bixinayay ayaa yiri: ""Haweeneydu waxay la noolayd labo carruur ah oo ay dhashay. Ninkeeda waa askari darajo hoose ah oo ka tirsan booliska, haddana waxa uu ka howl galaa gobolka West Bengal."" Taliyaha ayaa sheegay in ""wiilka oo 16 jir ah uu qabatimay ciyaarta PUBG"" oo ah mid ay aad u jecel yihiin dhallinyarada ku nool meelo badan oo ka mid ah caalamka. ""Hooyadiis ayuu ku dilay rasaas uu ka riday bastoolad sharciyeysan oo uu leeyahay aabihiis. Wiilku waxa uu falkan sameeyay habeenkii ay Sabtidu sii baxaysay, Axadduna soo galaysay,"" ayuu yiri. Bastooladda dilka loo adeegsaday ayay boolisku gacanta ku shigeen, sida uu taliyaha sheegay. Sidoo kale booliska ayaa soo bixiyay medka haweeneyda oo la arkay maalintii Talaadada, iyagoo usii gudbiyay kooxda baaritaanka. Wiilka dilka hooyadiis gaystay ayaa isagana ku jira gacanta ciidanka amaanka. Wakaaladda Wararka ee PTI ayaa booliska kasoo xigatay in wiilka yar uu maydka hooyadiis ku xareeyay qol gurigooda ka mid ah kaddibna ku qufulay. Gabar sagaal jir ah oo la dhalatay wiilka dilay hooyadiis ayaa goob joog ahayd markii ay toogashadu dhacaysay. Laakiin waxa uu walaashiis ka dalbaday in aysan sheegin waxa dhacay haddi kale ay xaaladdu sidaas kasii xumaan doonto. Xogta ay Wakaaladdu baahisay ayaa sidoo kale lagu sheegay in wiilkan uu qolka u isticmaalayay carfiso si uu uga baabi'iyo urka meydka kasoo baxayay. Taliye Abidi ayaa yiri: ""Maalintii Talaadada, markii uu meydka bilaabay inuu uro, gabadha yar ayaa aabeheed ku wargelisay dhacdada. Aabihii ayaa lasoo xiriiray deriska, islamarkiina dariska waxay u yeereen booliska."" Sida uu sharraxay Mr Abidi, cunugga ayaa markii hore isku dayay inuu gudbiyo xog been abuur ah oo ku saabsan sida ay ku geeriyootay hooyadiis. Waxa uu sheegay in falkan uu gaystay nin korontada ka shaqeeya oo dhowr jeer yimid gurigooda. Balse markii la qabtay ninkii farsamayaqaanka korontada ahaa, waxaa caddaatay in sheegashadaas ay been ahayd. Wiilka ayaana ugu dambayn qirtay falka, sharraxaadna ka bixiyay sida ay wax u dhaceen. Hindiya ayaa horay looga mamnuucay ciyaartan PUBG, balse dhallinyarada ayaa ilaa hadda aan ka harin, iyagoo waddooyin kale u mara si ay u ciyaaraan. Dhacdooyin naxdin leh oo ku saabsan PUBG ayaa horay loo soo tebiyay. Horaantii sanadkan ayay Booliska magaalada Lahore ee dalka Pakistan shaaciyeen in wiil dhallinyaro ah uu laayay qoyskiisa kaddib markii uu la qabsaday ciyaarista Game-ka ay dhallinyaradu aad u xiiseeyaan ee loo yaqaanno PubG. Wiilkaas oo 18 jir ahaa ayaa dilay hooyadiis, walaalkiis iyo saddex gabdhood oo la dhashay. Falkan naxdinta leh ayuu u adeegsaday bastoolad ay hooyadiis lahayd oo guriga u taallay. Arrinta layaabka kasii dhigtay dhacdada argagaxa leh waxay ahayd in markii uu wiilkan qoyskiisa laayay uu seexday dhulka, isagoo u dhaqmay sida marka ciyaarta lagu jiro ee kuwa kaasoo horjeeda la laayo loo seexdo, si uu qofka u gabbado. Waxaa la aaminsan yahay in xasuuqa uu wiilka u geystay qoyskiisa uu dhacay 19-kii bishii January. Bishii August ee sanadkii 2020-kii, wiil 16 jir ah ayaa isku dilay isla magaalada Lahore, kaddib markii ay qoyskiisa ka joojiyeen ciyaarista PubG. PubG oo ah ciyaar muuqaal ah oo aad u xamaasad badan ayaa sannadihii dambe aad loo ciyaarayay, waxaana sanad walba soo baxayay qayb la sii hormariyay." https://www.bbc.com/somali/war-61735924 +politics "Wasiir Cawad: ""Somaliland ma ahan dal ka madax bannaan Soomaaliya""" "Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin in dal ka mid ah caalamka uu wax u dhimo midnimada qaran ee dalka. Hadalkan ayuu wasiirku ka jeediyay kulan uu maanta magaalada Muqdisho kula yeeshay wakiillada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya. Amb Cawad ayaa carrabka ku adkeeyey wax uu ku tilmaamay olole ay wadaan dalal la yaqaan oo khatar galin kara midnimada dalka. ""Soomaaliya ma aha dal madax bannaan oo ka madax bannaan Soomaaliya oo gooni u taagan adduunka meel u aqoonsan ma jirto saas, sharciyada adduunka oo dhan iyo go'aammada adduunka oo dhan UN. AU, Dalalka Islaamka, Carabta iyo Igad kulligood waxay qiraan Soomaaliya iney tahay hal dal iyo hal dal oo mid ah marka adduunku saasuu qabaa saaseyna tahay."" ""Adduunkana waa insey sidaas dalalka qaarkood ay ixtiraamaan weeye go'aammada adduunka ee ay qaybta ka yihiin, wixi khilaaf jira Soomaalida iyo iyaga dhexdooda iney ka wada hadlaan weeye, xukumadda Soomaaliyana sida xukumadihi hore diyaar ayey u tahay walaalahood Soomaliland la hadasho, la fariisato, la heshiiso, la isfahmo laakiin dalkaleeto inuu noo carqaladeeyo dhib noo abuuro kama yeeleyno waxaanna u sheegay inaan Ginea ka yeeleyn"" ayuu yiri wasiir Cawad. ""Waxaan u sheegnay iney jiraan khatar iyo olole khatar gelin karo midnimada Soomaaliya oo socda waxaan u sheegnay in ololahaasi socdo ay ka mid yihiin dalal la yaqaanno sidaa daraaddeed waxaan codsannay in ay adduunka naga kaalmeeyaan iyo iney u sheegaan dalalka adduunka iney ka daayaan dhibka."" ayuu yiri wasiir cawad oo ka warramayey waxa ay kala hadleen wakiillada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya. ""Waxaan sida oo kale arkayey niman wasiiro sheeganaya ama khubaro sheeganayey oo iyaguna dhahayey, waxaan idiin sheegayaa xiriirka diblomaasiyadeed kuma xirna ma aha safaaradaha keli ah safaaraduhu waa qayb ka mid ah, dalalka waxay xiriir diblomaasi iyo meela ayey isugu yimaaddaan waa la kulmaa."" Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mar uu ka hadlayey xiriirka ay waddamada yeeshaan iyo xiriirka ay u jareen dalka Guinea wuxuuna gaashaanka u darooray waxa uu ku tilmaamay hadallo uu sheegay inay dhanka kale sheegay in xiriirka dhexmara dalalku uusan ku koobnayn oo kaliya in safaarado la isdhaafsado, hasayeeshee qaabab kale ay u wada xiriiraan wuxunau yiri: ""Annaga iyo Guinea AU ayaan ku wada jirnaa ururrada islaamka ayaan ku wada jirnaa waa iisu nimaadnaa madaxda ayadu waa kulmaan waxyaabaha aan iska kaashano ayaa tira badan marka hadda xiriiradaasi oo dhan ayaan jarnay."" ayuu yiri wasiir Cawad. Madaxweynaha Jamhuuriyadda gooni iisu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muse Biixi Cabdi, ayaa safar ku jooga dalka Guinea, halkaas oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay. Balse arrintaasi ayaa dhalisay muran hor leh oo ka dhex-dilaacay Soomaaliya iyo Somaliland, kaddib markii ay Soomaaliya xiriirka u jartay dalka Guinea. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la weydiiyay in dowladdiisa ay horey xiriir ula lahayd Guinea ayaa sheegay in labada dal aysan horey u lahayn matalaad diblumaasiyadeed. Haddaba, tan iyo markii ay sidaasi sheegtay xukuumadda Soomaaliya ayay BBC-du la xidhiidhay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo ka tirsan wefdiga Madaxweyne Biixi ee booqashada ku jooga Guinea, waxaana uu kaga jawaabay hadalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya: ""waxaa na soo gaadhay in maamulka xamar sida ay yidhaahdeen ay calaaqaad u gooyeen dalka la yidhaahdo Guinea, oo ay ka xun yihiin booqashadayada, arrintaa waxaannu u aragnaa inay maangaabnimo iyo aragti la'aani ku dheehan tahay."" ""Aad mooddidna in ay ku qanacsan yihiin in Somaliland ay u xidhan tahay, nasiib darro se malaa ma oga in Somaliland cilaaqaad la leedahay dalal badan oo caalamka ah oo Afrika ah, Bariga Dhexe iyo Yurub ka jira oo marar hore nagu soo dhaweeyey habmaamuuska qaran looga baahan yahay."" Wasiir Faratoon oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay arrintan u arkaan cadaawad iyo kalafogayn cusub oo u bilawday halkaana ay ka sii wadayaan xiriirkooda ay la leeyihiin dalalka dunida. Dhawaan ayay ahayd, markii Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland iyo xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya wadahadal ay ku ballansanaayeen magaalada Nayroobi uu qabyoobay, kaddib markii ay san kasoo qaybgelin wefdigii ugu qaybgeli lahaa Soomaaliya." https://www.bbc.com/somali/war-48894255 +religion Wargeyska Charlie Hebdo ee sameeyey sawir gacmeed loogu gafay Nebi Maxamed (NNKH) oo la weeraray "Warbaahinta Faransiiska waxay sheegeen shaqsiga looga shakiyey weerarkan inuu laba qof dhaawac culus uu u geystay iyada oo weerarkaasi lagu tilmaamay mid ula kac ah oo lagu beegsanayey xafiiski hore ee wargeyska Charlie Hebdo ee sawir gacmeedka loogu gafay Nabi Maxammed (NNKH) sameeyey. Ninka weerarka geystay oo ay da'diisu tahay 18 jir wuxuu u dhashay Pakistan iyada oo weerarka uu ninkaasi qaaday lalal xiriiriyey sawir gacmeed uu wargeyska uu ka sameeyey Nabi Maxammed (NNKH) oo markale dib loo daabacay. Wargeyska qaabka maadeysiga wax u qora ee kasoo baxa Faransiiska ee Charlie Hebdo ayaa dib u daabacay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed (NNKH), tallaabadaas oo sanadkii 2015-kii u horseeday in lagu qaado weerar dhimasho badan geystay. Waxaana weerarkaas lagu dilay 12 qof oo ay kamid yihiin farshaxamiistayaal caan ah, waxaana sidoo kale maalmo kaddib Paris ka dhacay weerar kale oo ay ku dhinteen 5 qof. Wixi intaa ka dambeeyey wargeyska wuxuu u wareegay xafiis qarsoodi ah. Dhisma ku yaalla degmada 11-aad ee caasimadda Faransiiska ee Paris oo horay xafiis uu ku lahaa wargeyska Charlie Hebdo hadda wuxuu xafiiski wargeyskaku wareegay Telefishiin maxalli ah. Ila wareedyo ku dhawdhaw kooxaha baaritaanka wada oo wakaaladda wararka ee AFP u warramay waxay sheegeen, shaqsigan weerarka geystay inuu u haystay xafiiska wargeyska inuu weli halkiisi yahay. Balse labada qof uu weerarkaasi dhaawaca ka soo gaaray magacdooda lama sheegin hase yeeshee waxay boolisku sheegeen iney kala yihiin qof rag ah iyo qof dumar ah oo ka shaqeynayey xafiiska Telefishiinka. Ra'isal wasaare Jean Castex wuxuu warbaahinta uu u sheegay labada qof uu weerarkaasi dhaawaca ka soo gaaray iney naftooda halis ku jirin. Ninka looga shakiyey falkan oo Jimcihi lagu qabtay meel aan ka fogeyn goobta uu weerarka ka dhacay ayaa qirtay inuu weerarkaasi isagu geystay, wakaaladda wararka ee AFP waxay intaasi ku dartay inuu weerarkaasi inuu ahaa mid looga falcelinayo dib u soo daabacidda wargeyska sawir gacmeedka uu ugu gafay Nabi Maxamed (NNKH). Shaqsiga weerarkan looga shakiyey oo aan magaciisa la shaacin haddana wasiirka arimaha gudha Faransiiska Gerald Darmanin wuxuu sheegay ninkan dhalinyarada ah inuu dalka Faransiiska uu yimid seddex sana ka hor isaga oo u dhashay dalka Pakistan. Siddeed qof oo kale oo arrintan lala xiriiriyey ayey boolisku gacanta ku hayaan oo uu ka mid yahay nin ay wada dagganaayeen ninka weerarka looga shakisan yahay. Ila wareedyo garsoorka ka tirsan oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegeen 33 jir u dhashay daka Algeria oo ay boolisku Jimcihi qabteen in la sii daayey kaddib marki lagu waayey caddeymo muujinaya inuu weerarki dhacay wax lug ah ku lahaa. Mr Darmanin wuxuu sheegay inuu amar ku bixiyey in ammaanka magaalada Paris aad loo adkeeyo xuska sanadlaha ee ay bulshada Yahuuddau udabbaldagaan ee Yam Kippur. Afar iyo toban qof ayaa dalka Faransiika maxkamad loogu soo taagay weerarkii lagu hoobtay ee majallada Charlie Hebdo lagu qaaday shan sano iyo dheeraad ka hor. Wargeyskaas ayaa sameyn jiray sawirgacmeedyo uu ku sheegay Nabi Maxamed (NNKH). Eedaysanayaasha badankooda waxa maxkamadda lagu soo taagay magaalada Paris, laakiin saddex eedaysane ayaa iyaga oo maqan dacwadda lagu qaadayaa. Waxaana xubnahaasi lagu soo oogay dacwad ah in ay gacan siiyeen mitidiintii Islaamiyiinta ahaa ee 12 qof toogashada ku dilay ee weerarka ku qaaday xafiiska Charlie Hebdo iyo agagaarkiisa bishii, Jeeniweri 2015. Nin dabley ah oo saddexaad ayaa gabadh boolis ahayd toogasho ku dilay waxaanu weeraray tukaan Yuhuud leedahay. Wadar ahaan 17 qof ayaa lagu dilay muddo saddex maalmood gudahood ahayd. Dilalkaas ayaa bilow u ahaa weerarro xidhiidh ahaa oo jihaad aloosku ku qaadeen Faransiiska gudihiisa ayna ku dhinteen in ka badan 250 qof. Maalmihii weeraradaa ka dambeeyey, ayaa malaayiin qof iskugu soo baxeen wadooyinka Faransiiska iyo dunida iyaga oo ku dhawaaqayey hal ku dhegga ah ""Je suis Charlie"" (Charlie baan ahay). Majalladu ayaa dacwadaa dib u bilaabmaysa ku muunaynaysaa in ay dib u baahiso sawiradii muranka dhaliyey ee lagu sheegay Nebi Muxammed (NNKH) ee mudaharaadada ka dhaliyey dhawr dal oo Muslin ah. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa difaacay xorriyada hadalka ee warbaahinta iyo ta dadka Faransiiska ee ah ""xorriyada ah in la dambaabo taas oo ah arrin xidhiidh la leh xorriyadda damiirka"". Afar iyo tobanka qof waxay ku eedaysanyihiin in ay gacan ka gaysteen diyaarinta iyo qorshaynka dilalkaas. Dacwadoodu waxay bilaabmaysaa Arbacada ka dib markii dhegaysiga dib loo dhigay, qiyaastii afar bilood oo sabab u ah safmarka fayraska korona. Bishii Maarij, wuxuu garsooraha dacwadaa u xilsaaran sheegay in xayiraadii Faransiiska lagu soo rogay ay suuro gelin wayday in ay isku yimaadaan ""dhamaan dhinacyada ay khusayso dacwadu, markhaatiyada iyo khubarada maadaama oo ay jiraan duruufo cafiimaad"". Dadkan ku eedaysan in ay gacan ku lahaayeen dilalkaas waxa lagu soo oogay in ay haysteen hub iyo sidoo kale in ay taageero tas-hiilaad ah siiyeen ciddii weerarka ku qaaday xafiiska Charlie Hebdo, bilowgii sannadkii 2015, iyo sidoo kale weerarkii kaa xigay ee lagu qaaday askariyada booliska ah iyo tukaanka Hyper Cacher. Laakiin saddex eedaysane ayaa la rumaysanyahay in ay u baxsadeen woqooyiga Suuriya iyo Ciraaq oo iyaga oo maqan ayaa dacwadda lagu oogayaa. Wararka qaarkood ayaa tibaaxaya in saddexdaa nin markii dambe lagu dilay duqayntii lagu hayey kooxda la baxday Dawladda Islaamka laakiin lama xaqiijin. Waxa dhegaysiga dacwadda ka qayb galaya qiyaastii 200 oo qof oo dhibbanayaal ah iyo dad ka badbaaday weerarkaa oo maxkamada ka hor marag furi doona, sidaana waxa sheegtay idaacadda Faransiiska ee RFI. Isniintii ayaa dacwad oogaha eedaha aragagixisonimada, Jean-Francois Ricard wuxuu ganafka ku dhuftay hadal hayn ah in kuwii ""taageerada yar bixiyey"" caddaaladda la hor keenay. ""Arintu waxay khusaysaa shakhsiyaadkii gacanta ka geystay tas-hiilaadkii iyo diyaarintii dhacdadaa. Waa kuwii taageerada maaliyadeed, agabka hawlgalka, hubka iyo hoygaba siiyey"" ayuu yidhi isaga oo la hadlaya idaacadda France Info, ""dhamaan arimahaasi waa falal argagixisonimo"". Waxaa la filayaa in ay dacwaddu socoto ilaa bisha Nofember. Todobadii bishii Jeeniweri ee sannadkaa 2015, ayaa laba nin oo dabely Muslimiin Faransiis ah oo walaalo ah oo lagu kala magacaabo Cherif iyo Sacid Kouachi, waxay u xoog ku galeen xafiiska Charlie Hebdo ee ku yaal Rue Nocola-Appert, ka dibna tacsiisharad ku furay shaqaalihii. Tifaftirihii majallada ee waagaa, Stephane Charbonnier, oo ku magac dheeraa Charb ayaa ka mid ahaa afart qof ee ku caanka ahaa farshaxanka sawir gacmeedka oo dhamaantoood ku jiray dadkii la dilay. Dableyda waxa kama dambaystii dilay ciidamada nabad gelyada muddo ay is baacsanayeen ka dib. Dadkii ay iyagu laayeen waxa ka mid ahaa sideed weriye, laba askari oo boolis ah, waashmaan iyo qof xafiiska soo booqday. Weerar kaa xidhiidh la lahaa oo dhacay maalmo ka dib, ayaa nin jihaad aloos ah oo la yidhaa Amedy Coulibaly wuxuu saddex qof oo dadkii macmiilka ahaa ka mid ah iyo qof shaqaale ah ku af-duubtay dukaanka ay Yuhuuddu leeyihiin ee Hyper Cacher oo ku yaal Porte de Vincennes ee magaalada Paris. Intaanu tukaanka gelin wuxuu markii hore qudha magaalada kaga jaray haweenay askariyad boolis ahayd. Xoogagga nabadgelyada ayaa kama dambaystii u daatay tukaanka oo dilay ka dibna soo daayey dadkii uu haystay. Majallada xag jirka ah ee todobaadlaha ah waxa aad loogu yaqaanaa in ay dhaliisho maamulka iyo diinta waxaanay muddo dheer abuuri jirtay muran. Sawir gacmeeyada laga sameeyey Nebi Muxammad (NNKH), ayaa sababay in loo soo diro Charb fariimo hanjabaad dil ah, in kasta oo ilaalo boolis ah oo 24 saacadood ah la siiyey intaan la dilin. Waxa sidoo kale lagu qaaday xafiiska majallada weerar bam baatrool ah sannadkii 2011. Majallada ayaa sidoo kale loo arkayey in ay ilays u tahay xorriyadda hadalka maadaama dad badan oo difaacayey ay adeegsadeen hashtag-ga #JeSuisCharlie si ay u difaacaan. Charb wuxuu aad u difaacay sawir gacmeedyada laga sameeyey Nebi Muxamed oo uu ku sheegay in ay astaan u yihiin xorriyadda hadalka: ""kula yaabi maayo Muslimiinta in ay ku qoslaan sawirradayada,"" ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press sannadkii 2012. ""Waxaan ku hoos noolahay sharciga Faransiiska, kuma hoos nooli sharciga Quraanka"". Salaadadii ayay majalladu waxay mar kale daabacday sawir gacmeedyadii 2015-kii lagu beegsaday. ""Had iyo goor waanu iska daynayeyn in aanu baahino sababtuna ma ahayn in la mamnuucay laakiin waxay ahayd in aanaan markaa haynin sabab maan gal ah oo aanu sidaa u yeelno,"" ayaa faallo majalladu qortay ay ku tidhi. Waxaanay intaa ku dartay ""in sawir gacmeedyadaa dib loo baahiyo todobaadkan marka ay bilaabmayso dacwaadda weerarradii aragagixiso ee Jeeniweri 2015 muhiim ayay noola muuqatay""." https://www.bbc.com/somali/war-54314036 +politics Trump muxuu ka yiri wararka la isla dhexmarayay ee ku saabsan xaaladda Kim Jong-un ? "Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu weriyeyaasha u sheegay in uu ka war hayo xaaladda uu ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay xaaladda caafimmaad iyo halka uu ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un. Trump wuxuu sheegay in wax faahfaahin ah uusan ka bixin karin xaaladda Kim Jong Un balse uu ku rajo weyn yahay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Wararka la isladhexmarayo ee ku saabsan Kim ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sanad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada aabihii oo ku beegneyd 15-kii bishan April. Kim Jong-un waligiis kama uusan baaqanin munaasabadda xuska aabihiis - wayna iska muuqatay inuusan si sahlan u go'aansan karin inuu ka qeyb gali waayo. Wakaaadda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo xog ogaal ah ayaa maalmo kahor kusoo warrantay in Dowladda Shiinaha ay khubaro caafimaaad u dirtay Kuuriyada Waqooyi. Saraakiishaas caafiimaad ayaa la sheegay in uu hogaaminayay sarkaal sare oo katirsan xisbiga shuuciga ee ka arrimiya dalka Shiinaha. Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas ayaa waxaa adkaatay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim, waxaana sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar kale oo sheegaya in hogaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah. Waxaa sidoo kale soo baxay warar kale oo sheegaya in Kim Jong Un uu nool yahay. Dalka ay deriska yihiin Pyongyang ee Kuuriyada Koonfureed ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu dhintay ama uu xanuunsan yahay hogaamiyaha dalkaas. Moon Chung-in oo ah sarkaal siyaasadda arrimaha dibadda kala taliya madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa warbaahinta CNN ee dalka Mareykanka u sheegay in Kim Jong-un ""uu nool yahay, uuna caafimmaad qabo."" Kim Jong-un oo tareen ugu socdaalay Vietnam Coronavirus: Waxaad u baahan tahay Vitamin D ""Ka dowlad ahaan halka aan arrintan ka taagan nahay way caddahay"" ayuu yiri Moon Chung-in oo intaa ku daray in laga billaabo 13-kii bishan April uu Kim ku sugnaa deegaanka Wonsan, sidaas darteedna aysan jirin wax keeni kara shakiga ah in uu geeriyooday. Sidoo kale saraakiil katirsan sirdoonka dalka Shiinaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in wararka sheegaya dhimashada ay yihiin been abuur, oo uu Kim nool yahay. Markii ugu dambeysay ee la arkay hogaamiyaha dalkaas ayaa waxay ahayd 12-kii bishan, warbaahinta dalkaas na ma aysan sheegin ilaa iyo hadda halka uu ku sugan yahay. Ma ahan markii ugu horeysay oo fagaareyaasha laga waayo hogaamiyaha dalkaas. Sanadkii 2014-kii, ayaa Kim Jong-un la waayay muddo 40 cisho ah, waxayna taas keentay in wax la iska weydiiyo halka uu ku sugan yahay. Sidoo kale xilligaas waxaa soo baxay warar kale oo sheegaya in la afgembiyay. Haseyeeshee, maalmo kaddib waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dalkaa" https://www.bbc.com/somali/war-52451717 +entertainment Boqoradda Quruxda ee nafteeda galisay khatar ka wayn kufsigii ay ka badbaadday "Gabar boqoradda quruxda ah oo caan ah oo kasoo jeedda gobolka ay dagaallada halakeeyeen ee Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ka sheekeysay qisadeeda naxdinta leh ee ku saabsan sida ay ku gashay UK. Selamawit Teklay, oo ka baxsatay Tigray ayaa magangalyo waydiisatay dowladda UK kaddib markii ay ka gudubtay biyaha English Channel oo ay halis badan ugu bareertay. Markii ugu horraysay Ms Selamawit waxay sanadkii lasoo dhaafay tagtay Faransiiska ka hor inta aysan nafteeda khatar ku galinin safar doon ah oo ay la gashay tahriibeyaal kale. Gobolka Tigray ayaa dagaal sokeeye galay dabayaaqadii 2020-kii, waxaana ka dhacay dilal badan, kufsi iyo wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay ""xaalad u dhow macluul"". Wareysi uu la yeeshay Wariyaha BBC-da laanteeda Tigrinya, Line Tsigab, ayay kula talisay dadka kale ee ku fikiraya inay tahriibaan in aysan u bareerin khatarta badda. Dhibaato badan iyo naxdin ayaan kala kulmay safarta aan ku soo gaaray UK. Waxaan arkay walaalo reer Tigray ah oo ku hafanaya biyaha badda. Waxaan ka mid ahay dadkii ka badbaaday English Channel. Bishii November ee sanadkii 2021-kii waa bisha aanan waligay hilmaami doonin. Markii hore waxaan dhowr habeen ku dhuumannay Faransiiska. Waxaan qiyaastii labo isbuuc joognay dhul howd ah oo ka tirsan Calais. Qabow aad u daran ayaa jiray, cunto ma aannaan haysan, biyo aan kabban karnana ma jirin. Dhib wayn ayaan la kulmay - dhib aan dhammaad lahayn. Waxaan sugaynay qof wax tahriibiya. Kuwo kala duwan ayaa yimid. Waxaan kala heshiinnay lacagta. Waxay tahriibayaasha kaxeeyaan xilli habeen ah, si ay booliska uga dhuuntaan. Safarkii koowaad, markii ay dad kale oo reer Tigray ah isku dayeen inay ka gudbaan badda, doontoodii way quustay. Nasiib wanaag waa la badbaadiyay. Annaga oo aan wali isku dayin inaan tallowno ayuu warka xun nasoo gaaray. Waan argagaxnay. Balse ma jirin waddo kale oo noo furnayd. Waxaan ku khasbanayn inaan aadno meesha aan doonaynay. Dhowr maalmood gudahood, waxaan qaadnay tallaabo. Waxaa jiray qabow aad u xun badduna way kacsanayd. Waxaan raacnay doon yar. Waxaa naloo oggolaa oo keliya inaan sameyno waxa ay kuwa wax tahriibiya nagu amraan. Nafarkii badda ee ku wajahnaa UK ayaa noo billowday, si aan nolol fiican u helno. Balse safarkeenna ma ahayn oo kaliya mid aan mugdi ku baxnay. Wuxuu ahaa mid dhimasho ku dhow. Matoorkii doonta ayaa ku dhacay badda. Nin Carab ah oo nala socday ayaa ku booday badda si uu isugu dayo in uu matoorka soo bixiyo. Way u suutageli waysay. Kaddib mid kale oo Tigray ah ayaa galay biyaha. Walaalkeen dib dambe uma uusan soo noqonin. Waan raadinnay. Waxaan maqlaynay qayladiisa. Waan heli waynay. Waxaan dalbannay caawinaad. Hase yeeshee saddex saacadood kaddib ayay imaadeen ciidanka badbaadada. Walaalkeen wuxuu biyaha ugu dhintay aniga hortayda. Waxaan indhahayga ku arkay geeridiisa. Ninka Carabka ah nasiib ayuu u yeeshay inuu badbaado. Waxaa u suurtagashay in uu dib ugu soo laabto doonta. Doonta markii aan saarnaa ayaan garawsaday in go'aanka safarkayga uu ahaa mid khaldan. Aniga iyo dadkii kale ee soo badbaaday waxaan isu dhiibnay ciidanka ilaalada xeebta, kuwaasoo saacado badan kaddib naga kaxeeyay badda. Saddex ama afar maalmood kaddib markii aan gaarnay UK, kooxdii saddexaad ee tahriibayaasha ahaa ayaa safarkooda isku dayay. War wanaagsan ma aannaan maqlin; dhammaantood way ku dhinteen biyaha. Labo ka mid ah dadkayga ayaa ku jiray dadkii dhintay. Mid ka mid ah waxay ahayd gabar aan aqaannay oo aan isla dagganayn magaalada Maqalle. Waxaan u ooyay xaaladdayda iyo xaaladda dadkayga, sidoo kalena waxaan u ooyay waalidiinteyda. Waalidkeyga ma aysan ogayn inaan waddankan kusoo galayo qaabkan. Markii aan billaabay safarkan, waxaan nafteyda u sheegay inaysan noqon karin xaalad ka daran tii aan kula kulannay Tigray. Dhibaatooyin aad u xun ayaan kusoo aragnay dalkeenna. Balse, in baddan laga gudbo waa khatar aysan ahayn inuu qof isku dayo. waligay kuma fikirin inaan ka tago waddankeyga. Waligay iguma soo dhicin inaan baxo. Marka aan dibadda u aadi jiray tartamada quruxda ama shaqooyin kale, dalkeyga ayaan mar walba ku laaban jiray. Ganacsi ii gaar ah ayaan ku lahaa Maqalle, waxaana ku naqshadeyn jiray kuna iibin jiray dharka hiddaha iyo dhaqanka. Markii uu ganacsiga Maqalle wanaagsanaa, xaaladdaydu way fiicnayd. Kaddib, bishii November ee 2020-kii ayuu qarxay dagaal sokeeye oo kumannaan qof lagu dilay. Wax badan ayaan ku waynay dagaalka awgiis. Wuxuu sababay jaago, kufsi iyo dhibaato aan lagu fikiri karin. Akoonnadii bangiyada ee Tigray waa la xayiray, qof lacagtiisa heli karayna ma jirin. Nasiib wanaag kama mid noqonin gabdhihii walaalahayga ahaa ee lagu kufsaday Tigray. Balse dhaawac dhanka dhimirka ah ayaa isoo gaaray. Duqeymo xooggan ayaa lagu weeraray Maqalle markii uu dagaalka qarxay. Waxaan ku khasbanaannay inaan ka qaxno gurigeenna, waxaana tagnay tuulo.. Abtigay ayaa lagu dilay magaalada Aksum. Kaddib waxaan go'aansaday inaan ka tago dalka. Waxaan rajaunayaa inaan helo nabad." https://www.bbc.com/somali/articles/crg3lk7w2lro +business Jeff Bezos: Sababta uu taajir u sii noqonayo ninka dunida ugu qanisan Jeff Bezos oo ah ninka dunida ugu taajirsan ayaa gaaray heer aan horay loo arag muddo afartan sano ah ka dib markii hantidiisa ay gaartay $204 bilyan oo doollar. Wargeyska Forbes ee wax ka qora dadka maalqabeenada ayaa ku soo warramay in 56 jirkan ay hantidiisa gaartay $204 bilyan oo doollar, waxaana 90 bilyan oo doollar uu ka sare maray ninka labaad ee ugu hantida badan caalamka ee Bill Gates oo hantidiisa ay gaareyso $116 bilyan oo doollar. Bezos oo ah asaasaha shirkadda Amazon ee badeecadaha ku iibisa online-ka ayaa sannadkii 2017-ka noqday ninka ugu taajirsan dunida, waxaana la aaminsan yahay in uu dhaqaale badan ka sameeyay xanuunka corona, maadaama dad badan ay guryaha ku sugan yihiin xanuunka awgii, waxwalba oo ay u baahan yihiinna ay halkaas ka dalbadaan. Tan iyo markii uu bilawday sannadkan, waxaa sare u kacay dalabka shirkadda Amazon. Horaantii sannadkan Bezos hantidiisa waxay ahayd $115 bilyan oo doollar. Walow shirkado badan oo caalamka ah ay khasaareen, haddana ninkan oo ah milkiilaha wargeyska Washington Post iyo shirkado kale oo maalgashi wuxuu dhaqaale badan sameeyay xilligan cudurka coronavirus uu aduunyada xirxiray. Bezos waxaa uu noqon lahaa nin heysta hanti ka badan intaa, balse kala bar hantidiisa waxaa la siiyay xaaskiisa oo ay kala tageen. Markii ay kala tageen xaaskiisi hore, MacKenzie waxay ku heshiiyeen in ay qaadato 25% boqolkiiba hantida shirkadda oo xilligaas u dhigantay $63 bilyan oo doollar. MacKenzie Scott, xaaskii hore ee milkiilaha Amazon, Jeff Bezos, oo ka mid ah haweenka ugu hantida badan caalamka ayaa sheegtay in tan iyo markii ay kala tageen iyada iyo seygeeda ay bixisay lacag gaareysa $1.7 bilyan oo doollar oo kaalmo ah. Lacagahan ayay sheegtay in ay ku bixisay arrimo ay ka mid yihiin goobo waxbarasho, wax ka qabashada isbadelka cimilada iyo arrimaha caafimmaadka. Scott ayaa heysata hanti gaareysa $62 bilyan oo doollar, waxaana iyada iyo seygeeda ay kala tageen sannadkii hore. Haweeneydan waxay is-guursadeen Bezos kahor inta aanu asaasin Amazon, waxayna mar ka mid ahayd shaqaalaha shirkadda Amazon, haseyeeshee markii ay kala tageen waxay hanta badan ka heshay dhaqaalihii shirkadda. Markii ninka dunida ugu taajirsan xaskiisa ay go'aansatay in ay kala tagaan, waxay u ahayd guul dhaqaale oo ay gaartay, waxayna taasi sii kordhisay tirada haweenka ugu hantida badan caalamka. Mr Bezos ayaa hataan ku guda jira dhismaha dhul ku fadhiya 165,000 oo hektar, kaas oo ku yaala galbeedka Texas ee Mareykanka. Guriga uu haatan ku nool yahay oo ku yaala xaafadda Medina, ee Washington, ayaa u dhaw xarunta shirkadda Amazon, gurigaas oo ku fadhiya inkabadan 5.35 hektar oo dhul ah. Gurigan ayaa la sheegaa in dhismihiisa ay ku baxday lacag gaareysa $100 milyan oo doolar. Haweeneydan ayaa afar caruur ah u heysa madaxa shirkadda Amazon, waxayna aqal galeen sannadkii 1993. https://www.bbc.com/somali/war-53947338 +health """Wadaadkii ka istaagay masaajidka Garoowe wuxuu yiri: 'waa in la gubo dadka qaba AIDS-ka""" "HIV-AIDS wuxuu ka mid yahay cudurrada faafa ee dhimashada badan sababa, waxaana mararka qaar dadka la nool ay la kulmaan faquuq iyo dhibaatooyin kale oo uga imaada dhinaca bulshada. Dunida ayaa cudurkan si weyn ula tacaasha, waxaana loo helay dawooyin lagu xakameeyo marka uu heerarkiisa ugu horreeya marayo, hase yeeshee wuxuu saameyn aad u ballaaran ku leeyahay dalal badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Wariye ka tirsan laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulka Puntland kula kulmay Bashiir Cismaan Cawad, oo ka mid ah dadka qaba xanuunkaas, wuxuuna nala wadaagay sheekadiisa iyo qisooyin kale oo ku saabsan dhibaatada ay dadka isagoo kale ah kala kulmaan bulshada, xanuunka ay qabaan awgiis. ""Waxaan la socday nin mardhow laga helay xanuunka HIV oo aan wacyigelin u sameynayay. Laakiin cudurka waxaa ka sii xanuun badan waxa nafsiyan qofka haya iyo fakarka ku jira"", ayuu yiri, Bashiir Cismaan Cawad oo ka mid ah dadka la nool xanuunka HIV, ee daggan magaalada Garoowe. Wuxuu sheegay in sababo la xiriira bulshada oo cudurkaas neceb dartood ay dad badan u qarsadaan, maadaama ay ka baqayaan in la faquuqo ama lala macaamili waayo. ""Dadka qaba cudurkan guryaha inay kireystaan looma oggola, haddii iyagoo daggan la ogaadana waa laga saaraa. Waxaa jira qof ilmihiisii inkiray, gabar baa xanuunka HIV laga helay ka dibna waxaa inkiray labadeedii waalid, arrintaasna anigaa og, marka waxaan rabaa in dadku ay fahmaan in waxan uu yahay xanuun na haya oo loo baahan yahay in si wadajir ah looga hortago si uusan dhibaato kale u keenin"". Bashiir waa sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Puntland, wuxuuna sheegay in caqabado badan uu kala kulmay bulshada uu ku dhex nool yahay. Wuxuu ka sheekeeyay dhacdooyiinkii uu la kulmay oo xitaa masaajid uu ku jiro. ""Annagoo masaajid ku jirna oo salaadda inaan galno isku diyaarineyna ayuu wadaad istaagay, wuxuu sheegay hadallo aad u qallafsan oo ka dhan ah dadka qaba xanuunka HIV-AIDS. waxaa hadalladiisii ka mid ahaa: 'cudurka AIDS-ka kuma dhaco dadka Islaamka ah, dadka la nool cudurkaas waxaa la rabaa in la gubo', waxyaabo kale oo aan aad uga sii naxayna wuu ka hadlay"", ayuu yiri. ""Horta inta aanan wax jawaab ah bixinin, anigoo iska fadhiya oo waxaas iska dhageysanaya ayaa waxaan fiiriyay ninkii aan la socday, ee cudurka ku cusbaa, waxaan arkay isagoo ilmeynaya, hoos ayuu u oynayay dadkana wuu iska qarinayay. Islamarkiiba intaan ninkii hadlayay garab istaagay, iyadoo dad badanna i maqlayaan, ayaan ku iri xanuunka aad sheegeyso aniga ayaa la nool, qofka koowaad ee aan durayana waa adiga, waana ku dilayaa, anigoo markaas u dhaaranaya, sababtoo ah waxaa iga tan batay xanaaqa, saameyn aniga uu hadalkiisa igu yeeshayna ma ahayn ee waxay ahayd markaan u dulqaadan waayay ninkii aan la socday ee ilmeeyay"". Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray bulshada iyo dadka xanuunka HIV-ga qaba labadaba. ""Dadka waxaan dhihi lahaa cudurkan hallaga run sheego, aniga kula hadlaya ayaa qaba, marka dadka qaba xanuunkana si fiican haloola dhaqmo, oo yaan lagu kallifin inay qariyaan, arrintana colaad yaan laga sii abuurin"", ayuu yiri Bashiir. Bashiir kaliya ma aha dadka Soomaalida ah ee caqabadaha kala kulmay xanuunka HIV-ga ee ay la nool yihiin. Magaalada Wajeer waxaa ku nool Soomaali, balse waxaa jiro arrimo badan oo qarsoon oo halkaas ka jira oo aan laga hadli karin. . Waxaa jiro dad badan oo ku nool dhibaato iyo faquuq ay kala kulmayaan bulshada ay la nool yihiin. Sababtu waxay tahay in ay qabaan xanuunka HIV. Meel safar saacad ah magaalada kaga beegan dhanka galbeedka, waxaa ku nool Sacdiyo - waa magac aan ugu yeernay ka dib markii magaceeda saxda ah la qariyay sababo badqabkeeda la xiriira. Sacdiyo waxay la nooshahay saddex carruur ah oo ay dhashay. Cannuga ugu weyn ayaa 11 sano jir ah. Mid ka mid ah carruureetadana waxay la dhalatay caabuqa HIV. Sacdiyo xitaa lugaheeda kuma istaagi karto. Waxaa laga helay xanuunka HIV. Waa qof sabool ah, waxayna ku qasbanaatay in carruurteeda ay u shaqeysato in kastoo si wayn loo faquuqo. ""Toddobo sano maarkin ninkeyga waxaa igu dambeysay 2013-k-ii, bisha kowaad. Inuu dhintay ama uu nool yahay war kama haayo"", ayey tiri Sacdiya. Waxaa cudurka laga helay Sacdiya ""mar ay isbitaalka geysay gabadheeda yar oo xanuunsatay"". ""Markii ay dhaqaatiirta baareen waxay ka heleen xanuunka HIV-AIDS. Aniga ayay sidoo kale i baareen, waana la iga helay"", ayey sheegtay. Sacdiya aad ayay uga naxday markii ay maqashay warka, diyaarna uma ahayn in ay ka hor tagto waxa ku soo socda. Isla markii ay xaaladaan kusoo korortay waxay noqotay mid la neceb yahay oo bulshada k takooran. ""Waxaa la igu dhahay ka guur, meshii aan degenaa, deriskayga way i caayaan, carruurtooda ayayna igu soo direen,"" ayey tiri iyadoo murugo ay ka muuqato. Waxay sheegtay in hal ceel oo ay leedahay dumaashideed uu walaalkeed qabo loo ogol yahay in biyo ay ka soo dhaansato. Waxay intaa ku dartay: ""Way i faquuqeen illaa heer aanan wax ka amaahan karin, ma jiro qof dan iga leh, nolol ama geeri."" Waxay tilmaamtay Sacdiya, in biyaha ceelka aysan dhaansan karin, iyo in la aflagaadeyo marka ay xaafadaha dhex socoto. ""Carruurta way iga garaacaan markay arkaan"", ayey sheegtay. Markii ay bateen dhibaatooyiinka loo geysto, waxay go'aansatay in aysan guriga ka bixin, mana jirto cid ku booqata halkaas. Sacdiya ayaa ii sheegtay in ay iskaga dulqaadato waxwalba oo ku dhaca, balse ay ka walwalsan tahay nolosha iyo mustabalka carruurteeda. Jamaal - waa magaca aan ugu yeernay si aqoonsigiisa loo qariyo - wuxuu qabaa caabuqa HIV, wuxuu ku noolyahay duleedka magaalada wajeer. Halkaas ayuu u guuray ka dib markii uu la kulmay faquuq aad u daran. ""Gurigii ugu horreeyay ee aan ku noolaa markii aan guursaday, waa la iga saaray. Waxaan u guuray mid kale oo haddana la iiga daba yimid. Waxay (milkiilihii guriga) ku dheheen 'ninka aad guriga ka kireysay waa nin xun oo qaba cudurkii weynaa"", ayuu yiri. Jamaal wuxuu sheegay in markii uu ""caatoobay"" oo ay ogaadeen saaxibidiisa iyo qoyskiisaba in uu cudurka qabo ay billaabeen in ay ka cararaan oo aysan u soo dhowaan. 1 December oo ku beegneyd shalay oo Axada ahayd, waa maalinta loo asteeyay xanuunka dilaaga ah ee HIV Aids, laakiin wali lama garanayo tirada rasmiga ah ee dadka Soomaaliyeed ee cudurkaasi uu hayo." https://www.bbc.com/somali/war-50632460 +politics Maxaad ka ogtahay dal keliya dhisnaa muddo saddex sano ah "Waxaa loo aqoonsaday ""ballaarinti taariikhiga ahayd ee dalka qaniga ah ee Peru"", sida sanakdii 1961 laga soo xigtay taariikh yahanka u dhashay Chile ee Hernán Ramírez Necochea. Waa "" Isu geynta Peru-Bolivian"", oo ahaa mashruuc rajo badan lahaa oo mideeyay jamhuuriyadaha Peru iyo Bolivia. Inkastoo tani ay socotay muddo gaaban. Xaqiiqdii, tan iyo markii la aasaasay, sanadkii 1836, waxay wajahday xoogag gudaha iyo dibadda ah oo gadaal ka riixayay burburinteeda, taas oo ugu dambeyn dhacday sanadkii 1839. Sidee ayay ku timid fekradda isku darka labada dal maxaase si dhaqso ah loogu guul darreystay? Sanadihii 1830-meeyadii —ama xitaa kahor—, mashruuca lagu mideynayo Peru iyo Bolivia ""wuxuu ahaa taariikhda,"" ayuu BBC Mundo u sheegay taariikh yahanka u dhashay Bolivia ee Marilú Soux. Dadka reer Peruvia iyo Bolivia ee doonayay in la isku daro labada dal ayaa u aaneeyay sababo la xiriira dhulka, taariikhda iyo dhaqaalaha oo soo jirtay boqollaal sano, sida uu Jorge Basadre, oo ah taariikh yahan qarnigii 20-aad caan ahaa oo u dhashay Peru ""Historia ku xusay buuggiida de la la Republic of Peru, 1822-1933 "". Xilliyadii Xisbaaniyiinta, qowmiyadaha Quechua iyo Aymara ethnic ayaa wadaagi jiray Altiplano - oo ah gobol ku yaalla meel u dhow Harada Titicaca - muddo qarniyo ah, halka ilbaxnimada Inca iyo Tiahuanaco ay saameyn ku yeelatay labada dal. Arimaha dhanka dhaqaalaha, dekadda loogu jecel yahay ee La Paz (oo hadda ah caasimadda Bolivia) waxay ahayd Arica, oo xilligaas ay Peru lahayd. Waxaa intaa dheer, gobollada koofureed ee Peru waxay xiriir ganacsi oo toos ah la lahaayeen Bolivia, xitaa mid ka weyn kii ay la lahaayeen waqooyiga Peru, sida uu sheegay Basadre. Arrimahaas iyo kuwo kale ayaa ka qeyb qaatay midowga Peruvian-Bolivian. Janaraal Andrés de Santa Cruz - madaxweynihii Golaha Maamulka Peru intii u dhaxeysay sanadihii 1826 iyo 1827 kaddib dhicitaankii Viceroyalty, kaddibna noqday madaxweynihii Bolivia (1829-1839) - ayaa sidoo kale qaba arrintan. Sanadkii 1835, siyaasadda Peru waxay ku jirtay xasarad. Madaxweynihii markaas, Luis José de Orbegoso, ayaa wajahay kacdoon xooggan oo ka dhan ah dowladdiisa kaas oo uga imaanayay xeebta iyo koofurta dalkas. Felipe Santiago Salaverry ayaa awoodda xoog ugala wareegay Orbegoso. Isagoo dareemaya qalqal, ayaa Orbegoso wuxuu La Paz General Santa Cruz weydiistay caawinaad militari si dalka loo badbaadiyo. Wuxuu Orbegoso taas beddelkeed siiyay Santa Cruz awoodihiisa madaxtinnimada Peru wuxuuna oggolaaday in baarlamaan laga dhiso waqooyiga iyo koofurta Peru si loo go'aansado suurtogalnimada in lala midoobo Bolivia. Xilligaas, taageerayaasha in labada dla la isu geeyo iskuma aysan raacsaneyn gobolka hoggaanka qabanaya. Sidaas darteed, soo jeedinta Santa Cruz waxay ahayd in Peru labo loo qeybiyo - gobolka Waqooyiga Peru iyo gobolka Koofurta Peru- isla markaana lagu daro Bolivia, sidaa darteed waxay noqonayaan ""saddex gobol oo isku mid ah dhanka Peru-na kama jirayo sarreyn dhanka dhulka ah, balse markii la qeybinayay, arrin kale ayaa harsaneyd. inay noqdaan kuwo isku mid ah, ""ayuu yiri taariikh yahanka u dhashay Peru ee Scarlett O'Phelan. Kaddib markii uu ka oggolaaday Orbegoso, Santa Cruz wuxuu diray 5,000 oo ciidan Bolivianah, bishii February 1836, waxay awoodeen inay burburiyaan dhammaan mucaaradka. ""Markii Salaverry la burburiyay, Santa Cruz wuxuu ahaa milkiilaha Peru"", sida uu Basadre ku xusay buuggiisa ""Taariikhda Jamhuuriyadda Peru."" Bishii March sanadkaas, gobolka Koofurta Peru ayaa la sameeyay, bishii August, waxaa isna la sameeyay gobolka Waqooyiga Peru. Labada gobol, marka loo geeyo Bolivia, waxay Santa Cruz u aqoonsadeen ""Ilaaliyaha Weyn"" ee Isutagga Peru-Bolivian. Bishii October 1836, Santa Cruz ayaa saxiixay digreeto si rasmi ah loogu dhawaaqayo Isutagga. Balse arrintan ma aysan sii jirin wax badan. Saddexda gobol ayaa isku raacay in midkoodba uu yeelan doono dowlad u gaar ah, balse ay u hoggaansami doonaan dowladda guud, oo mas'uul ka ahaan doonto howlaha diblomaasiyadda, militariga iyo dhaqaalaga Isutagga labada dal iyo doorashada madaxweyneyaasha gobollada. Dowladda guud ayaa mas'uul ka ahaan lahayd ilaaliyaha Santa Cruz , muddo 10 sano ah isagoo xaq u lahaanaya in dib loo doorto. ""Santa Cruz wuxuu ka fekeray in caasimaddu ay noqoto halkii uu joogay,"" ayuu Aljovín u sheegay BBC Mundo. ""Waxay ahayd hab cajiib ah oo looga fogaanayo dacwadda magaalada caasimadda noqoneysa."" Arrimaha la xiriira ganacsiga badda, xafiis guud oo kastamka ah ayaa looga sameeyay dekadda Arica gobollada Koofurta Peru iyo Bolivia. ""Mashruuca Santa Cruz marka la eego waxaa muhiim ahayd in Bolivia ay mar kale hanato Arica, sida uu qabo taariikhyahanka reer Chile ee Gonzalo Serrano. Balse shuruucda Isutagga dalalka ayaa waxaa diidmo ka keenay dadka gudaha iyo dalalka xudduudaha la lehba. Gudaha Bolivia, tusaale ahaan, halka ""dadka la jiray Cruz waxay aaminsanaayeen in Bolivia ay leedahay dhulka sare"" wayna taageereen isu tagga dalalka, waxaa jiray kuwo ka soo horjeeday ""in Peru loo kala qeybiyay labo, sababtoo ah haddii ay noqoto dhanka go'aan gaaridda waxay noqon doontaa labo ka soo horjeeda hal, ""ayuu yiri Soux. Dalka Peru fekradda isugeynta dalalka waxay caan ka ahayd gobolka Koofurta Peri. Balse dhanka waqooyiga waxaa soo baxay diidmo ka dhan ah sida ay wax u socdaan oo la dareemay billowgiii horeba. Gobolka ayaa dareemay in sokortii uu u dhoofin jiray dalka Chile ay arrintaasi saameyn ku yeelatay isla markaana sida Koofurta Peru oo kale xiriir ulama uusan lahayn Bolivia. Waxaa intaa dheer, waxaa laga cabsi qabay in Lima, caasimaddii Peru tan iyo boqortooyadii kuna taalla gobolka Waqooyiga Peru, ay lumiso muhiimadda ay dalkaasi ku lahad. Isutagga dalalkan ayaa sidoo kale cadowtinnimo u qaaday kuwii raacsanaa dadkii xukunka ka tuuray Orbegoso. Badankood waxay dibad-joog ku noqdeen Chile, sida uu sheegay Aljovín, waxayna sugayeen xilligii ay aargoosan lahaayeen. Balse isutagga dalalka oo keliya maaha waxa sababay dhibaatada. Santa Cruz ayaa sidoo kale laga keenay diidmo badan. Wuxuu ahaa wiilka aabbe Peru u dhashay, iyo hooyo Bolivia ka soo jeedday, wuxuu qabay haweeney ka so jeedday Cusco labada dalna madaxweyne ayuu ka ahaa. ""Wuxuu dareemay inuu hal lug kula jiray Peru tan kalena uu kula jiray Bolivia, sidaas darteed waxaa heysatay dhibaato weyn oo dhanka dhalashada ah. In la isku dheellitiro ayuu xal u arkay isu geynta dalalka. Waxaan aaminsanahay in isugeynta dalalkan ay si uun u xallisay dhibaatadiisii dhalashada,"" ayuu yiri O'Phelan. Balse tani waxaa ka dhalatay in ""Santa Cruz uu nin Peruvia u janjeera ugu muuqday dadka Bolivia halka dadka reer Peru ay u arkayeen nin u badan dhanka Bolivia,"" ayuu yiri Basadre, waxaana intaa dheer inay u arkayeen inay siiyeen dhammaan awoodda. Balse durba waa laga qaadi doonaa. Mashruuca ayaa waxaa diidmo ka keenay dalalka xudduudda la wadaaga ee Argentina iyo gaar ahaan Chile, oo muujisay inay tahay in meesha laga saaro isugeynta dalalka. Wasiirkii Dagaalka Chile, Diego Portales, ayaa caddeeyay sida uu dalkiisa uga soo horjeedo isugeynta dalalka. Portales ayaa dareemay in midowga Peru iyo Bolivia uu khatar ku yahay dalkiisa. ""Fakradda ​​Portales waxay ahayd burburinta isugeynta dalalka kahor inta aysan dadka labada dal heshiin taas oo burburinta adkeyn karta."" Sidaas darteed December 1836, Chile ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah isugeynta dalalka, iyadoo sabab uga dhintay ""inay qalqal gelinayaan jamhuuriyadaha Mareykanka"" iyo ""cabsi laga qabo in isutagga dalalkan ay qabsadaan Baasiifigga Mareykanka,"" sida uu buuggiisa ku xusan Basadre. Bishii May 1837, Argentina ayaa sidoo kale ku dhawaaqday dagaal. Wax yar kaddib, bishii June 1837, Portales ayaa lagu dilay dagaal. Si kastaba, dalkiisa ayaa sii waday go'aanka looga soo horjeeday midowga Peruvian-Bolivian. Ujeeddadan waxaa taageerayay militariga Peru ee dibadjoogga ku ahaa Chile tan iyo kacdoonkii ka dhanka ahaa Orbegoso, ""ee ka soo horjeeday Santa Cruz, oo ay u arkayeen ajnabi doonaya horumarinta mashruuciisa siyaasadeed,"" sida uu Serrano u sheegay BBC Mundo. Iyaga ahaan, inay aqbalaan dowladda Santa Cruz ""waxay uga dhigneyd ka tanaasulka inay mar kale xukumaan Peru."" Sidaas darteed dadka reer Chile qaarkood ma aysan dareemin inay la dagaallamayaan Peru, ee waxay aaminsanaayeen inay dalka ka xoreynayaan Santa Cruz, iyo inay axsaan ka sameynayaan,"" ayuu intaas raaciyay Serrano. Chile ayaa ""howlgalkeedii soo celinta ee ugu horreeyay"" dirtay September 1837, waa ciidan ay ku jireen saraakiil ka soo jeedday Peru, oo uu horkacayay Manuel Blanco Encalada oo Chile u dhashay. Markii foodda la is daray, ciidamadii Santa Cruz ayaa is dhiibay waxayna ku qasbanaadeen inay heshiis nabadeed ku saxiixaan Paucarpata. Si kastaba, Chile ayaa diidday heshiiskan. Sidaas darteed July 1838 ciidankii labaad ee ka socda Chile ayaa la diray, ayna ku jireen saraakiil Peru ka soo jeedday, uuna hoggaaminayo Manuel Bulnes. Waxaa intaas dheer, ""magaalooyin badan oo waqooyiga ku yaalla, ayaa bilaabay kacdoon,"" sida uu sheegay Basadre. Bilooyin kaddib markii ay joogeen ciidda Peru ayna isku ballaariyeen Lima, January 20, 1839, labada ciidan ayaa foodda isku daray dagaal ka dhacay Yungay, halkaas oo ciidankii Chile ka yimid ay guushu ku raacday. Kaddib guusha, Chile ayaa ka baxday Peru. Santa Cruz ayaa aaday Lima kaddibna Arequipa. Wuxuu markii dambe ku dhintay Faransiiska sanadkii 1865. Sanadkii 1839, wax yar kaddib waxaa meesha ka baxday kala qeybsanaantii gobollada waqooyiga iyo koofurta Peru waxaana burburtay dowladdii isu geynta labada dal." https://www.bbc.com/somali/war-58397170 +business """Wuxuu iga codsaday inaan rinji caddaan ah mariyo si uu uga badbaado midab-takoor""" """Aabbe, maxaadan u soo qaadeyn rinjiga haray ee guriga yaalla si aad ii mariso, adiga iyo walaalkey? haddii aan dhammaan ranji caddaan ah is marinno mar kale dhibaato ma arkeeno."" Hadalkan ayaa waxaa ku yiri wiilkiisa xilli ay isla cayaarayeen wuxuuna sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee ay arrintan aad u saameysay. ""Runtii, ilmo ayaa i soo dhaaftay,"" ayuu yiri aabbe ku nool koofurta England. Qoyskan ayaa muddo sanado ah waxay midab-takoor kala kulmayeen bulshada deriskooda ah. Tacaddiyada ay la kulmayeen oo aad u darnaa ayaa waxay taas ku kalliftay inay hadba meel u guuraan oo ay beddeshaan guryaha, shaqooyinka, iskuullada iyagoo sheegay inay ka baqayeen in gurigooda la gubo. Qoyskan ayaa sanadkan dhexdiisa la dejiyay guri kale iyagoo caawinaad ka helay ururka aan faa'iido-doonka ahayn ee Sovereign Housing. ""Waxay ahayd wax aan gebi ahaanba fileyn,"" ayuu yiri aabbaha. ""Waxaan annaga iyo carruurta dib ugu soo laabannay guriga. Waxaan maqlay qof ku qeylinaya, 'Haye qofka nooca kale ah!' ayuu yiri. ""Waan eegay waxaana arkay qof qoyskeyga ka tirsan, oo mid ka mid ah deriskeennana uu dhanka kale taagan yahay oo uu aflagaaddeynayo,"" ayuu yiri. ""Waxay bilaabeen inay isku soo dhowaadaan. Way isa soo baheysteen waxayna ku qeylinayeen hadallo badan oo aflagaaddo ah."" Qoyska ayaa tacaddiyadaas booliiska u sheegay, deriskooda ayaana maxkamadda looga wacay. Mid ka mid ah, oo haweeney ahayd, ayaa lagu helay cunsuriyad waxaana lagu ganaaxay £ 200 (oo qiyaastii u dhiganta $ 265) bishii November 2017. Qof kale oo deriskooda ah oo nin ah ayaa isla ganaaxaas lagu xukumay bishii January 2018. Ururka Sovereign Housing Corporation, oo guryo ku leh koofurta iyo galbeedka UK, ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah deriska kaddib markii ay ka war heleen rabshadda iyo tacaddiyada ay qoyskan la kulmaan. Marka tan laga soo tago, qoyska ayaa sheegay in tacaddiyadu ay sii socdeen isla markaana aanan wax tallaabo dheeraad ah la qaadin. ""Waan idiin arki doonnaa, gurigiinna dhexdiisa ayaan idinku gubi doonnaa, 'ayay ku qeyliyeen,"" ayuu yiri aabbaha. ""Waxaan diyaarsaday baaldi aan biyo ka buuxiyo haddii loo baahdo, sababtoo ah dadkan way gubi karaan guriga annaga oo gudaha ku jirna."" Waaxda booliiska ee la tacaaleysa cabashooyinka tacaddiyada midab-takoorka ayaa sheegay in saraakiishu ay la hadleen marqaatiyaal madax bannaan 48 saacadood kaddib markii qoyskan ay soo gudbiyeen cabashadooda. ""Waanu ognahay in dembiyada nacaybka ay saameyn daran ku leeyihiin dhibbanayaasha, qoysaskooda iyo bulshada kale,"" ayuu yiri afhayeen booliiska u hadlay. ""Waxaan dooneynaa dadka deegaanka inay ogaadaan inaan si dhab ah u qaadanno dhammaan warbixinnada la xiriira nacaybka oo aan diyaar u nahay inaan caawinno."" Waaxda Crown Prosecution Service (CPS) ayaa sheegay inay maxkamadda ka codsadeen inay xukunno adag ku ridaan dadka geysta tacaddiyada. ""Waxaan garwaaqsan nahay in dhibbanayaasha arrintan ay aad u dhibtoodeen sababo la xiriira tacaddiyada midab-takoorka ee ay kala kulmeen deriskooda,"" ayuu yiri afhayeen u hadlay CPS. ""Qofna maaha inuu cabsi ku noolaado, waxaana la arkay inay la kulmeen aflagaaddo aad u daran."" ""Kuwa tacaddiyada geystay ayaa lagu eedeeyay inay erayo aflagaaddo leh adeegsadeen."" BBC-da ayaa la xiriirtay Sovereign Housing, balse kama aysan hadlin kiiskan." https://www.bbc.com/somali/war-59604364 +business Dembigii mooska ka bilowday ee ku dhammaaday $1,628 oo ganaax ah "Mark D'arcy-Smith iyo saaxiibkii waxay ku sugnaayeen maqaayad ay wax ka cabayeen, ayna ku sheekeysanayeen. Balse qof kale oo ka mid ahaa macaamiisha oo adeegsaday App-ka maqaayadda ayaa muus dalbaday wuxuuna ku qoray miiskii ay fadhiyeen Mark iyo saaxiibkii. Wuxuu Mark la hadlay barnaamijka BBC ee Radio 1 Newsbeat, wuxuuna ka sheekeeyay sida uu ugu faraxsan yahay in hadda qofkaas macaamiisha ka mid ahaa la xukumay ka dib markii lagu helay cunsuriyad iyo dembi wax dalbasho qaldan ah. Mark, waa madow 25 sano jir ah, wuxuu sheegay in qof ka mid ah shaqaalaha maqaayaddaas uu markii hore kula taliyay in dacwaddiisa uu u gudbiyo maamulaha. Mooska oo UK qiimo ahaan ka ah 30p, ama illaa nus doollar, ayaa loo dalbay si qarsoodi ah. Booliska waxay sheegeen in soo qabashada dembiilaha ay ""ku qaadatay baaritaan adag"". Louie Kincella, oo 20 sano jir ah, ayaa isbuucan lagu helay dembigaas waxaana lagu xukumay in £1280 ($1,628) oo isugu jira ganaax iyo qarashkii maxkamadda ku baxay. ""Walwal ayey igu haysay sannadkii la soo dhaafay in baaritaanka kiiska uusan qaadanin degdeggii aniga aan filayay,"" ayuu yiri Mark. ""Maxkamadda waxaa ii raacay aabahey, waxaanna labadeenaba dareennay in culeys wayn uu naga degay. ""Waxay ahayd markii ugu horeysay oo si fiican aan u hurday, muddo ka dib"". Xilligii dhageysiga maxkamadda waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu arkay Kincella - mana ahayn wixii uu filayay. ""La yaab ayey igu noqotay maadaama aan ka fikirayay sida uu u ekaan karay qofkaas. ""Qof aad u da' yar ayuu ahaa, taasna waxay igu noqotay fajac."" Mark wuxuu sheegayaa in uusan eedeyneyn hannaanka iyo qalabka maqaayadda oo mooska keentay miiskiisa, balse wuxuu tilmaamay in uu ""filayay in ay noqdaan kuwo si wayn u taageera arrintiisa"". ""Waan aqbali karaa in qof kale uusan garan karin marka waxyaabo qaar aysan sax u muuqanin. ""Waxay taas ahayd mid deggan. Waan fahmi karaan in aysan iyaga dareemin."" Afhayeen u hadlay maqaayadda A Wetherspoon wuxuu sheegay in maamulaha uu la kulmay Mark D'arcy-Smith ""si uu u raaligeliyo, shirkaddana ay hadda sidaas markale sameyn doonto."" Mark wuxuu sheegay in booliska ay dhacdadan la wareegeen bishii Nofember ee 2019. ""Markii ugu horreysay ee aan booliska la hadlay, waxay doonayeen in arrinta ay si dhab ah ay u qaataan, sideyda oo kale. ""Markii ay billaabeen howlgalka, way igu soo wargeliyeen in weli ay wadaan baaritaanka."" Mark wuxuu ka shaqeeyaa Cilmi-baarista la xiriirta macaamiisha, wuxuuna hadda doonayaa in uu diiradda saaro shaqadiisii ka habsaantay. Kincella ayaa sidoo kale laga mamnuucay in tago ama wax ka dalbado maqaayaddaas uu dembiga ku dhex geystay." https://www.bbc.com/somali/war-54262084 +entertainment Deepika Padukone: Xiddigta Bollywood ayaa su'aalo maandooriyaha la xiriira la weydiiyey "Xiddigta Bollywood Deepika Padukone ayaa la sheegay iney su'aalo weydiiyeen guddiga dalka Hindiya u qaabilsan ka hortagga waxyaabaha maanka dooriya iyaga oo su'aalahooda la xiriiriyey baaritaanka ay wadaan ee ku saabsan atoorihi dhintay Sushant Singh Rajput. Padukone ayaa waxay ka mid tahay 6 qof oo arrintan wax laga weydiiyey oo ay ka mid yihiin laba atrisha oo kale. Rajput saaxibaddii, Rhea Chakraborty ayaa xabsiga loo taxaabay horraanti bishan iyada oo lagu eedeeyey iney maandooriya u soo iibisay Rajput inkasta oo ay iyadu eeddaasi diidday. Kiiskan oo ay warbaahinta Hindiya si weyn u sii huriyeen ayaa ahaa mid dalka Hindiya si weyn looga hadal hayo. Xafiiska ka hortagga maandooriyaha ee Hindiya (NCB) oo sii ballaadhiyey baaritaanka kiiska maanta oo Sabti ah wuxuu su'aalo muddo lix saacadood ah qaatay uu magaalada Mumbai ku weydiiyey atrisho Padukone. Sida oo kale waxaa iyaguna su'aalo si gooni gooni ah uu xafiiska NCB uu u weydiiyey atrishooyinka kala ah Sara Ali Khan iyo Shraddha Kappor, iyada oo jimcihina su'aalo kuwaasi la mid ah la weydiiyey atrisho Rakul Preet Singh. Rajput oo ay da'diisu ahayd 34 jir ayaa 14-ki June meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaallay magaalada Mombai. Iyada oo booliska ay markaasi sheegeen Rajput inuu isdilay. Balse waxyar kaddib qoyska Rajput ayaa booliska ka dacweeyey Chakraborty iyaga oo ku eedeeyey iney wiilkooda khaarijisay, inkasta Chakraborty eedda loo soo jeediyey oo dhan ay ku gacan seyrtay. Baaritaanka Kiiska dilka Rajput waxaa haatan gacanta ku haya afar hay'adood oo ka tirsan Dowladda Federaalka hindiya. Iyadoo baarayaasha ay warbaahinta ka siinayaan xogo aad u kooban, haddana xanta iyo mala awaalka wixii dhacay iyo cidda mas'uulka ka ah dilka Rajput ayaa noqotay mid weli aad u cakiran. Kiiska muxuu yahay? Xafiiska ka hortagga maandooriyaeyaasha ee dalka Hindiya (NCB) wuxuu billaabay laba baaritaan midka koobaad oo uu ku sameynayo Rhea Chakraborty walaalkeed iyo baaritaanka labaad oo uu ku socdo maareeyihi hore ee hoyga Rajput. Seddexddooduba waxaa loo xiray laguna soo eedeeyey abaabulidda iyo dhaqaale ku bixinta inuu atooraha dhintay uu isticmaalo maandooriyaha cannabis. Balse dhammaantood waxay diideen eedaha loo soo jeediyey. Warbaahinta maxalliga ah ee Hindiya ayaa sheegay Baadhitaanka labaad oo kii hore daba socda inuu ku saabsanaa wararka la isladhex maraya ee ku aaddan isticmaalka ballaadhan ee dmandooriyaha ee Bollywood. Maalmo marki ay ka soo wareegtay geerida Rajput wuxuu markiba shakiga uu u weecday atrisho Chakraborty oo looga shakiyey iney iyadu shirqooshay atooraha geeriyooday maadaamaa ay xiriir aad u dhow la laheed. Xafiiska NCB ee baaritaanka wado wuxuu sheegay iney baaritaankooda ka tixraaceen farriimaha Whatsup ee ay Rajput iyo Chakraborty isdhaafsadeen oo ay kaga wadahadleen maandooriyaha. Maandooriyaha marijuana oo dalka Hindiya sharci darra ka ah haddana waxaa badanaa dalkaasi laga isticmaalaa nooca 'bhang' loo yaqaanna oo qayb ka mid ah maandooriyahaasi uu ku jiro. Dhab ahaan ilaa iyo hadda arrintu ma cadda. Balse warbaahinta maxalliga waxay sheegeen xubnaha ka socda xafiiska NCB oo su'aalaha maandooriyaha la xiriira wqeydiiyey atrisho Padukone iney ka duuleen farriimo ay Rajput iyo maamulaheeda ay dhanka Whatsup kula wadaageen Rajput. Balse waxaan weli la ogaan farriimaha ay isdhaafsadeen waxa ay yihiin. Dadka qaar ayaa aaminsan in atrishadan la bartilmaameedsado inay sababtay booqashada ay bishii January ku tagtay jaamacad ay kooxa arday ah oo iska soo horjeedo ay rabshado ka sameeyeen ardayda oo isaga soo horjeeday muxaafid taageersan xisbiga BJP ee ra'isal wasaare Narendra Modi iyo arday ka soo horjeedday. Taageerayaasha xisbiga BJP ayaa atrishada ku eedeeyay inay si xishood la'aan ah wax badan u qarinayso, iyada oo ilaalineyso sumcadda filimkeeda cusub waxayna codsadeen dadku inay qaadacaan. Wargeyska 'Times Of India' wuxuu qoray dadka maandooriyaha ka ganacsada oo ay su'aalo weydiiyeen iney magacdhabeen atrishooyin kale oo ka tirsan jilayaasha Bollywood. Dadka isticmaala baraha bulshada ee dalkaasi hindiyana waxay su'aal geliyeen sababta Jilayaasha gabdhaha oo keli ah wax loo weydiinaya oo jilayaasha ragga ah looga soo darin. Telefishiinnada kala duwan iyo bogagga wararka laba siyaabood ayey geerida Sushant uga warrameen. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin waxa ku kallifay iney noqon karto arrima Rhea la xiriiro ama cadaadis uu kala kulmay soo sarayaasha filimaanta, halka ay qaarna aaminsan yihiin geeridiisa iney shaki badan leedahay. Dr Soumitra Pathare oo ku takhasusay caafimaadka maskaxda wuxuu leeyahay warbaahinta kala duwan waa iney ilaaliyaan anshaxa u yaalla ayna ka waantoobaan iney tabiyaan mawduucyo xasaasi ah sida dadka isdilo. ""Balse nasiib darro, waraabhin badam uma hoggaansamaan shuruucda anshaxa ee warbaahinta u yaalla. Mana ah iney illoobaan mas'uuliyadda saaran,"" ayuu ku daray. Halka warbaahinta qaarna ay geerida atooraha la xiriirinayaa caafimaad darro dhinaca maskaxda oo la soo deristay. Booliska Mumbai ayaa sida oo kale lagu dhaleeceeyey faahfaahinta ay bixiyeen sida atooraha marki noolashiisa ugu dambeysa waxyaabaha uu khadka ka baarbaaray. Madaxa gobolka Bihar Nitish Kumar, ayaa ku taliyey kiiska iney baaraan wakaaladda dambi baarista federaalka, CBI ama Xafiiska dhexe ee dambi baarista. Shekhar iyo Sushant waxaa lagu waday inay ka wada shaqeeyaan filim lagu magacaabo Paani, kaasoo uu qorshaha ahaa inuu soo baxo sanadkii 2015-kii, laakiin ay ku gacan seyrtay shirkadda filimada soo saarta ee Yash Raj Films. Sanadkii 2016-kii ayuu Shekhar bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu aad ula dhacay qaabkii uu Sushant ugu diyaar garoobay filimkaas. ""Waxaan niyad jab weyn ka dareemayaa sida aad uga niyad jabtay Paani, laakiin waligey lama kulmin jilaa qaabka sidaas u wanaagsan ugu diyaar garoobay si uu qeyb uga qaato filim."" Sushant Singh Rajput wuxuu sanadkii 2013-kii dhexda uga tagay musalsalkii Pavitra Rishta. Waxaa lagu ammaanay inuu muujiyay karti dheeraad ah, taasoo soo jiidatay indhaha shirkadaha filimada sameeya. Dhowr filim oo uu xifdaddiisa kusoo bandhigay waxaa ka mid ah PK, Raabta, MS Dhoni: The Untold Story iyo Chhichhore. Kumuu ahaa Sushant Singh Rajput? Sushant wuxuu magaalada Patna ee dalka Hindiya dhashay 21-kii bishii January ee sanadkii 1986-kii. Ka hor inta uusan ku biirin filimada caadiga ah wuxuu markii ugu horreysay si weyn ugu soo caan baxay filimkii musalsalka ahaa ee ay Soomaalida sida weyn u xiiseyn jireen ee Pavitra Rishta. Musalsallada kale ee uu kasoo muuqday waxaa ka mid ah Kis Desh Mein Hai Meraa Dil(oo ah kii uu jilista ku billaabay), Zara Nachke Dikha iyo Zee Cine Awards 2016. Filimada caadiga ah ee uu xirfaddiisa jilaanimo kusii hormariyay waxaa ka mid ah PK, Raabta, MS Dhoni: The Untold Story iyo Chhichhore." https://www.bbc.com/somali/war-54309124 +health """Anigoo Jijin isticmaalaya ayaan carruur badan noloshooda badbaadiyay""" "Qaar ka mid ah bulshooyinka ku nool miyiga Kenya, haweenkooda iyagoo uur leh ayey xoolaha raacaan, meelo fog-fog ayeyna u daaq geeyaan, taasoo ay micnaheeda tahay inaysan xilli walba heli karin adeeg caafimaad ama isbitaal wakhtiga ay foosha qabato. Dahabo Cabdi, waxay ka shaqeysaa qeybta farsamada ee sheybaarka isbitaalka magaalada Mooyaale, waxayna la timid fikrad aad cajiib u ah. Waxay sameysay jijin leh aaladda wax hagta ee lagu magacaabo GPS, iyadoo ulajeeddadeedu ay tahay inay gacan ka geysato badbaadinta hooyada iyo dhallaanka, xilliga dhalmada. Hooyada gacanta loogu xiro jijintan waxay dhakhaatiirta umulintu kasoo raadin karaan meel kasta oo ay foosha ku qabato, iyagoo kusoo raacaya aaladda goobaha tilmaanta ee gacanteeda ku xiran. Dahabo ayaa sheegtay in dhibaatada ay hadda la dagaallameyso ay horayba ugu soo dhacday iyada qudheeda. ""Aniga lafteyda ayey labo jeer ilmo uurkeyga ku jiray iga soo dilmeen, marka hooyo ahaan waan aqaannaa xanuunka ay leedahay in cunugaagii uu dhinto isagoo caloosha ku jira ama aan wali dhalanin, waana taas sababta igu kalliftay inaan raadiyo hab lagu caawiyo hooyooyinka miyiga"". Bulshada Booranta ee ku dhaqan Kenya waa reer guuraa, mar walbana meel hor leh ayey tagaan. Balse qalabkan ayaa dhakhaatiirta u sahlaya inay lugahooda ugu tagaan hooyooyinka foolanaya ee adeega caafimaad u baahan. ""Marka hore Kumbuyuutarka ayaan ku hubinnaa halka ay joogto hooyada foolaneysa, kaddibna si toos ah ayaan u aadnaa goobta, ilaa 10 xaafadood ayaan adeeggan gaarsiinnay hadda"", ayey tiri Dahabo. Laakiin si fudud laguma aqbalin fikraddan, sida ay sharraxeyso Dahabo. ""Markii aan dhameystiray ra'yiga sameynta GPS-ka, waxaan damacnay inaan siinno dumarka, balse way ku gacan seyreen inay aqbalaan. Way diideen sababtoo ah waxay leeyihiin arrimo la xiriira dhaqanka, mana iska oggolaan karaan wax aan waafqsaneyn dhaqankooda, sidaas darteed waxaan la imaannay qorshe kale, qorshahaasna wuxuu ahaa inaan qalabka ku xirno nooc ka mid ah jijimaha ay haweenka xirtaan, wayna ku faraxsanaayeen inay gacanta ku xirtaan"". Markii ugu horreysay ee qorshahan la hirgaliyay waxay ahayd bishii Febraayo ee sanadkii 2018-kii, si xowli ah ayuuna ku socdaa waxtarkiisu. Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey tiri: ""Mid ka mid ah dhammaan haweenka aan arrintan ku caawinnay ayaa i farxad galisa mar walba oo aan arko. guriga ayey ku umushay dhiig badan ayaana ka baxay, waa nala soo wacay isla markiina waxaan geynay isbitaalka, kaddib dhiig ayaan ku shubnay wayna badbaadday. Markii aan cunugeeda siinnay xoogaa ka dib, aad bay ugu faraxday sababtoo ah waxay u maleyneysay inay dhiman doonto"". Barnaamijkan muhiimka ah ayaa ilaa iyo hadda lagu caawiyay in ka badan 268 haween ah, waxaana hoos u dhacday tirada dhimashada carruurta iyo hooyooyinka ee xilliga foosha." https://www.bbc.com/somali/war-49181454 +sports Jean-Pierre Adams: Ciyaartooy hore oo u dhashay Faransiiska oo suuxsanaa 39 sano oo geeriyooday "Jean-Pierre Adams, oo ah ciyaartooy hore oo u dhashay Faransiiska oo 39 sano miyir la'aa ayaa ku geeriyooday da'da 73. Ciyaartooygan waxaa la seexiyay cisbitaal sanadkii 1982 kadib markii la doonayay in qalliin looga sameeyo jilibka. Waxaana dhacay qaladaad markii la siinayay dawada dadka lagu suuxiyo ka hor qalliinka. Jean-Pierre Adams, wuxuu ku dhashay dalka Senegal, wuxuu daafaca uga dheeli jiray kooxda Nice oo uu uga soo muuqday in ka badan 140 ciyaarood, sidoo kale wuxuu usoo dheelay kooxda ka dhisan Faransiiska ee Paris St-Germain. Bayaan kasoo baxay kooxda PSG ayaa lagu sheegay in Adams uu ahaa 'Ciyaartooy khibrad leh oo karti leh' Kooxda Nice ayaa tacsi u dirtay qoyska Adam-kaas oo ku guuleystay 22 koob gudaha Faransiiska intii u dhexeeysay 1972 ilaa 1976. Adams wuxuu kasoo muuqday 84 ciyaarood oo u dheelay kooxda Nimes oo sheegtay in ""tacsi ay u dirayaan qoyska iyo ehelada ciyaartooyga"" Maalintii la doonayay in Adams qalliinka looga sameeyo jilibkiisa-shaqaalihii cisbitaalka Lyon waxay maalintaas ku maqnaayeen shaqo gadood. Adams wuxuu dhaawaca dhanka jilibka ah soo gaaray xilli uu ka qeybgalayay tababar ka socday dalkaas. Tobanka ciyaartooy ee ugu wanaagsan xilli ciyaareedkan guud ahaan dunida Paul Pogba: dhib kuma qabo Jose Mourinho Barcelona iyo PSG oo kulan ka yeeshay arrinta Neymar Siddeed bukaan ah iyo Adams ayaa maalintaa qallin lagu sameeyay, Adams waxaa dawadii lagu suuxinayay ka hor qalliinka kormeeyay dhakhtar tababar qaadanayay kaas oo markii dambe sheegay, ""Awood uma laheyn shaqadii la ii dhiibay maalintaas"" Dhakhaatiirta iyo kuwii tababarka qaadanayay, waxaa ka dhex dhacay qaladaad horseeday in Adams uu wadnaha istaago iyo in waxyeello ay soo gaarto maskaxdiisa. Dabayaaqadii sanadkii 1990s, waxaa tallaabo la qaaday dhakhtarka iyo midkii qaadanayay tababarka- waxaana shaqaada laga joojiyay muddo bil ah iyo ganaax dhan 750 lacagta Euro ah. Adams ayaa cisbitaalka laga soo saaray 15 bilood oo uu cisbitaalka yaallay, tan iyo intii uu ka geeriyoonayay waxaa gurigiisa ku yaalla Nimes ku daryeeleysay xaaskiisa Bernadette." https://www.bbc.com/somali/war-58465178 +politics Warqadaha Pandora: Muxuu Kenyatta ka yiri kashifaadda hantidiisa? "Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay warbixinta la shaaciyay ee muujineyso hantida qarsoodiga ah qoyska madaxweynaha isla markaana ku tilmaamay- mid xoojineyso hufnaanta dhanka maaliyadda iyo furfurnaata uu baahanyahay dalkiisa iyo guud ahaan caalamka. Afahayeen u hadashay madaxweynaha ayaa sheegtay in warbixinta Pandora Papers ay horseedeyso in daaha laga rogo inta ay dhan tahay hantida dadka ku guuldareysta inay shaaciyaan maaliyaddooda. Qoyska Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo xukumayay siyaasadda dalka tan iyo xornimadii, ayaa si qarsoodi ah u lahaa shabakad shirkado xeebeed muddo tobannaan sano ah, sida ku cad waraaqo maaliyadeed oo aad u badan oo la soo dusiyay. Dukumiintiyada ""Pandora Papers"" oo ah 12 milyan oo faylal - ayaa ah kuwii abid ugu badnaa ee la soo dusiyo oo noocooda ah. Mr Kenyatta iyo lix xubnood oo ka tirsan qoyskiisa ayaa lala xiriiriyay 13 shirkadood oo ku yaalla meelo ka baxsan waddanka Kenya. Wali kama aysan jawaabin codsiyada ku aaddan inay ka hadlaan arintan. Maalgashiga Kenyatta ee ka baxsan dalkiisa, oo ay ku jirto shirkad leh kayd iyo dammaanad qiimaheedu yahay $ 30m (£ 22m), ayaa laga helay boqollaal kun oo bog oo waraaqo maamul ah oo laga helay kaydka 14 shirkadood oo sharci iyo adeeg bixiyayaal ah oo ku yaalla Panama iyo British Virgin Islands ( BVI) iyo meelo kale. Hantida qarsoodiga ah ayaa lagu ogaaday baaritaan la sameeyay oo la daabacay goor sii horreysay oo Axaddii ah, oo ay soo saareen dalladda caalamiga ah ee saxafiyiinta wax baara (ICIJ), Finance Uncovered, Africa Uncensored iyo ururro kale oo warbaahineed. Dukumiintiyada ayaa muujinaya in shirkad samafal oo lagu magacaabo Varies laga abuuray sannadkii 2003 -dii Panama, iyada oo hooyada Mr Kenyatta, Ngina, oo 88 jir ah, loogu magac daray deeq bixiyihii ugu horreeyey iyo hoggaamiyaha Kenya oo ahaa deeq bixiyihii labaad, kaas oo dhaxli doona geerideeda kaddib. Ujeedada aasaaska iyo qiimaha hantidiisa lama garanayo. Shirkadda Panama ayaa aad loo raadiyaa sababtoo ah kuwa leh hantida dhabta ah waxaa yaqaan qareennadooda oo kaliya mana aha inay magacyadooda ka diiwaangeliyaan dowladda Panama, sida ay tabisay dalladda ICIJ. Hantida ayaa sidoo kale loo qaabayn karaa in lagu wareejiyo canshuur-dhaaf qofkii beddeli lahaa. Ma jirto qiyaas lagu kalsoonaan karo oo ah hantida saxda ah ee reer Kenyatta balse danaha ganacsi ee baaxadda leh ayaa ah gaadiidka, caymiska, hoteelada, beeraha, lahaanshaha dhulka iyo warshadaha warbaahinta ee Kenya. Sannadkii 2018-kii, Mr Kenyatta wuxuu u sheegay barnaamijka Hardtalk ee BBC-da in hantida qoyskiisu ay dadweynuhu ogyihiin, madaxweyne ahaanna uu u caddeeyay hantidiisa sida sharcigu farayo. ""Sida aan mar walba sheego, waxa aan leenahay iyo waxa aan haysanno xogtooda waa mid u furan dadweynaha. Anigoo ah shaqaale dowladeed waxaa la iga rabaa in aan hantideyda ogaado oo aan sannad walba caddeynno,"" ayuu yiri My Kenyatta. ""Haddii ay jirto tusaale qof ku dhihi karo wixii aan sameynay ama aan helnay ma ahayn kuwa sharci ah, soo sheeg, waxaan diyaar u nahay inaan wajaho maxkamad kasta,"" ayuu raaciyay. Isla wareysigaas ayuu Mr Kenyatta ku sheegay inuu doonayo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta hufnaanta inay noqoto dhaxalkiisa. Wuxuu ballan qaaday inuu baarlamaanka kala shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa sharci ku khasbaya mas'uuliyiinta dowladda inay shaaciyaan hantidooda, laakiin weli xildhibaannadu ma ansixin hindise-sharciyeedkan. Hoggaamiyeyaasha kale ee adduunka ee lagu magacaabay Waraaqaha Pandora ayaa waxaa ka mid ah Boqorka Urdun Abdullah II, Ra'iisul Wasaarihii hore ee UK Tony Blair, Madaxweynaha Gabon Ali Bongo Ondimba iyo Madaxweynaha Congo-Brazzaville Denis Sassou-Nguesso. Ma cadda in Madaxweyne Kenyatta, oo xilka wareejinaya sannadka dambe, kaddib 10 sano oo uu xafiiska joogay, uu wax ka ogaa aasaaska shirkadda Varies laakiin waqtiga la furay ayaa ku aaddanaa mid ay suuragal tahay in lagu wargeliyay. Toddobo bilood ka hor xilligaas, ayaa wuxuu ku guuldaraystay doorashadii madaxweynenimada ee 2002 -dii, markaasoo uu ka adkaaday musharaxa mucaaradka Mwai Kibaki, oo wacad ku maray inuu hagaajin doono dambiyada taariikhiga ah iyo sidoo kale inuu bilaabi doono dagaal ka dhan ah musuqmaasuqa. Waqtigaas, qoyska madaxweynihii xilka ka degay Daniel Arap Moi, oo ahaa saaxiibka Kenyatta, ayaa la sheegay inay lacag kala baxeen dalka, sida lagu sheegay warbixin la dusiyay 2014-kii oo uu soo saaray la taliyaha caalamiga ah ee dhinaca khatarta, Kroll. Qoyska Kenyatta, ayaa asaasay danahooda siyaasadeed iyo ganacsi intii uu talada hayey madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya, Uhuru aabihiis Jomo. Waxaa lagu eedeeyay inuu jagadiisa u adeegsaday hanti uruursi. Ka dib geeridiisii 1978-kii, Ngina Kenyatta, oo ahayd xaaskiisa afaraad, ayaa kaalin mug leh ka ciyaartay ballaarinta danaha ganacsi ee qoyska. Waraaqaha ay aragtay BBC-da, ee Pandora waxay daaha ka rogeen in 1999-kii Mrs Kenyatta iyo labadeeda gabdhood, Kristina iyo Anna, ay aasaaseen shirkad ka dhisan dalka dibaddiisa- oo lagu magacaabo Milrun Internatinal Limited - oo lagu lammaaniyay BVI. Sida laga soo xigtay ICIJ, Mrs Kenyatta iyo gabdhaheeda waxaa la taliyay khubaro ku xeel dheer arrimaha hantida caalamiga ah oo khibrad leh oo ka socda bangiga Swiss Union Bancaire Privée (UBP), oo shaqaaleysiisay Alcogal, oo ah shirkad sharci oo laga leeyahay Panama oo ku takhasustay sameynta iyo maamulidda shirkadaha qarsoon ee dibadda. Dalladdu waxay sheegtay in dalabka lacago adeeg lagu fuliyay oo ay Alcogal u dirtay bangiga ay muujinayaan in la taliyeyaasha u dhashay Switzerland ay la hadlayeen qoyska Kenyatta iyagoo adeegsnayay afgarashada ah ""macmiilka 13173"". Alcogal waxay siisay Milrun xafiis ka diiwaan gashan jasiiradaha ugu waaweyn BVI, Tortola, waxayna siisay xubnaha shaqaalaha inay u noqdaan agaasimayaasha rasmiga ah ee shirkadda. Natiijadu waxay noqotay shirkad gebi ahaanba la qariyay oo aan dib loogu raadin karin qoyska Kenyatta. Shirkadan waxay u isticmaaleen Mrs Kenyatta iyo gabdhaheeda si ay u iibsadaan guri ku yaalla badhtamaha London, kaas oo ay wali leedahay, sida ku cad diiwaangelinta Diiwaanka Dhulka ee UK oo ay aragtay warbaahinta Finance Uncovered. Hantida ugu weyn, oo ilaa dhowaan ay kiraysay Xildhibaanadda Labour-ka Ingiriiska Emma Ann Hardy, ayaa hadda lagu qiyaasay in qiimaheeda uu yahay ku dhawaad $ 1.3m. Afhayeenka Ms Hardy ayaa sheegtay in Xildhibaanka, ""aysan haba yaraatee aqoon u lahayn"" cidda leh hantida. ""Waxay la yaabban tahay waxa uu daahfuray baaritaankan, waxayna rumeysan tahay inay muujineyso sababta daahfurnaan dheeraad ah loogu baahan yahay si degdeg ah,"" ayaa lagu yiri bayaankeeda. Sida laga soo xigtay warbaahinta Finance Uncovered, qoyska Kenyatta waxay isticmaaleen shirkado kale oo ka baxsan dalka si ay uga iibsadaan laba guri oo kale gudaha UK. La-taliyayaasha hantida gaarka ah ee UBP ayaa sidoo kale ka caawiyay Mr Kenyatta walaalkiis, Muhoho, inuu aasaaso hay'ad Panama laga dhisay oo la yiraahdo Criselle Foundation sannadkii 2003-dii. Hay'addaas waxay ka diiwaangashan tahay xafiisyada Alcogal ee Magaalada Panama, waxaana magac ahaan maamula xubnaha guddiga ee ka socda shirkadda sharciga ee Panama. Waxaa loo dhisay danta Muhoho Kenyatta, waxaana ku xigay wiilkiisa Jomo Kamau Muhoho. Shirkad kale oo BVI ah oo uu Mr Muhoho lahaa ayaa lagu qiimeeyay inay $ 30m ka joogto suuqa kala iibsiga saamiyada bishii November 2016. Baaritaan lagu sameeyay diiwaannada dadweynaha ee BVI iyo Panama ayaa lagu ogaaday in inta badan shirkadihii ku xirnaa Kenyatta ay hadda yihiin kuwo hurda, qaarkoodna ay sabab u tahay bixin la'aanta khidmadaha sharciyeynta. Maaha sharci -darro in la maamulo shirkado qarsoodi ah, laakiin qaar baa loo adeegsaday weji hore si lacag loo leexiyo, looga fogaado canshuuraha iyo lacagaha la dhaqay. Waraaqaha Pandora, si kastaba ha ahaatee, ma muujinayaan wax caddeyn ah oo sheegaya in qoyska Kenyatta ay xadeen ama ku qariyeen hanti dowladeed shirkadohooda qarsoon ee ka baxsan dalka. Waraaqaha Pandora waxay shaaca ka qaadeen ku dhawaad 12 milyan oo dukumiinti iyo faylal fashilaya hantida qarsoon iyo macaamilka hoggaamiyeyaasha adduunka, siyaasiyiinta iyo bilyaneerada. Xogta waxaa helay Dalladda Caalamiga ah ee Saxafiyiinta Baarista ee Washington DC oo horseeday mid ka mid ah baaritaannadii ugu weynaa ee abid ka dhaca caalamka. In ka badan 600 oo suxufi oo ka kala socda 117 dal ayaa eegay hantida qarsoon ee qaar ka mid ah dadka ugu awoodda badan dunida. BBC Panorama iyo Guardian ayaa horkacayay baaritaanka UK." https://www.bbc.com/somali/war-58758357 +sports Gabar caan ah oo guursatay nin ay gacan ka siisay in xabsiga laga sii daayo "Xiddigta ka tirsan ciyaraaha kubadda koleyga ee qaranka ee Mareykanka Maya Moore ayaa guursatay nin ay gacan ka siisay in xabsiga laga sii daayo kaddib markii si khaldan loogu xukumay dambiyo la xiriira weerar iyo tuugnimo. Ninkan oo la yiraahdo Jonathan Irons ayaa la sii daayay bishii July kaddib muddo 23 sano ah oo uu xirnaa, waxaana bishii March meesha laga saaray dacwaddii horey loogu soo oogay. Maya Moore waxay joojisay inay ka qeyb gasho ciyaaraha kubadda koleyga ee Mareykanka sanadkii 2019-kii si ay waqti ugu bixiso sidii uu xoriyaddiisa dib ugu lahaa ninkan. ""Waxaan is guursanay bilooyin ka hor, waxaan ku faraxsanahay in aan wadaagno nolosha cusub"" ayay tiri Moore oo la hadashay barnaamijka Good Morning America. Waxay u joojisay ka qeybgalka kubadda koleyga si ay ugu guuleysato sii deynta Jonathan Irons. Moore waxay markii ugu horreysay ku biirtay kooxda Minnesota Lynx sanadkii 2011-kii, waxayna u horseeday kooxdan inay ku guuleystaan afar jeer tartanka ciyaaraha kubadda koleyga, waxaana sanadkii 2014-kii loo magacaabay ciyaartoyda ugu waanagsan kubadda koleyga. Gabadhan lagu magacaabo Maya Moore waxay kamid noqotay mid kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan taariikhda ciyaaraha kubadda koleyga ee Mareykanka ee WNBA, waxay heysataa labo biladood oo ciyaraha olimbikada ah iyo labo biladood ah tartanka caalamiga ah ee kubadda koleyga. Ma Guur mise Gaabsi? Ragga Soomaaliyeed ee gabdhaha u doonta Hindiya ""Qoyskeyga geeri ayay igu tiriyeen, xaaskeygana nin kale ayaa guursaday"" Kulamadii maanta ee tartanka kubadda Koleyga gabdhaha Soomaaliya Balse waxay go'aansatay inay joojiso tartamada kubadda koleyga si ay u caawiso Irons oo 12 sano ka hor ay kulmeen intii aanan la xirin kaas oo lagu riday 50 sano oo xarig ah. Markii meesha laga saaray xukunkii horey loogu riday , Garsoore Daniel Green wuxuu ku tilmaamay kiiskiisa ""Mid daciif ah oo aan heysan caddeymo xooggan"" Moore, jilbaha ayay dhulka dhigatay markii ay qaabilsay Irons xilliggaas oo laga soo daayay xabsi ku yaalla magaalada Jefferson oo ku taalla gobolka Missouri. Mar wax laga weydiyay in dib ay ugu laaban doonto ciyaaraha kubadda koleyga iyo in kale, waxay ku jawaabtay ""Waxaan ku rajo weyn yahay in aan ku biiro xilliga gu'ga si aan horey ugu socdo"" ""Haatan waxaan isku dayayaa in aan nasto kaddib dagaal dheer""" https://www.bbc.com/somali/war-54193507 +technology Sida dibadbaxyada lagu dalbanayay in SARS lagu kala diro ay u badaleen Nigeria "Dibadbaxyada loogaga soo horjeedo tacaddiyada booliska ee ka soconayay waddanka Nigeria ayaa waxa ay abuureen dhaqdhaqaaq xooggan oo u muuqanayay inuu gilgilay dadka awoodda haya, hasayeeshee laba todobaad oo buuq ah kaddib, tifaftiraha Laanta Afka Hausa-ha ee BBC-da, Aliyu Tanko, ayaa waxa uu eegayaa halkan meesha loogaga dhaqaaqayo. Isu soo baxyo waddooyinka lagu dhigayay iyo gadood dhinaca baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa da'yarta Nigeria waxa ay siisay cod meesha ka saaray kala duwanaanshiyaha dhaqanka ee dalkaasi. Markii hal ku dhigga #EndSARS uu aad u shaacbaxay, ayaa sidaas waxaa lagu caasiyay kooxaha gacanta ku haya siyaasadda dalkaasi. In la burburiyo goobta sida wayn loo qadariyo ee oba, ama hogaamiye dhaqameedka Lagos, ayaa astaan u aheyd arrintaasi. Dhalinyarada ayaa meelaha wareejinayay carshigiisa, waxa ay xadeen hantidiisa, sidoo kalana waxa ay ku dabaasheen meesha uu ku dabaalan jiray. Wax ku bilowday dibadbax loogaga soo horjeedo waaxda booliska ee gaarka ah ee ka hortagta dhaca (Sars) ee la necebyahay ayaa waxa uu noqday dhabihii ay dhalinyarada ku soo bandhigi lahaayeen carada ay u qabaan dadka Nigeria maamulayay muddo tobannaan sanadood ah, waxa ayna dalbadeen in isbadel la sameeyo. Madaxweynihii hore Olusegun Obasanjo ayaa waxa uu 2017-kii waxa uu ka digay in ""dhammaantayo aynu ku dul fadhinno fuusto baaruud ah"" markii ay timaado arrimaha dhalinyarada. Hadalkiisaas waxa uu ula jeeday guud ahaan qaaradda hasayeeshee arrintaas waxa ay saamaynaysaa Nigeria, oo ah dadka ugu dalka badan Afrika laguna qiyaaso dadkiisa 200 oo milyan oo qof, kuwaas oo in ka badan 60% ay ka hooseeyaan da'da 24. Inta badan dadka gaaray da'da shaqada ma haystaan shaqo caadi ah, fursadaha waxbarasho wanaagsan lagu heli karana waa ay yaryihiin. Bilowgii sanadkan, shaxda dowladda ayaa waxa ay muujisay in 40% dadka Nigeria ay ku nool yihiin saboolnimo. Hasayeeshee dadka haatan awoodda haya ayaa markii hore khalad u fahmay waxa markan soconaya, qoraaga xuquuqda aadanaha u ololeeya, Gimba Kakanda ayaa BBCda u sheegay. ""Dibadbaxyada lagu dalbanayo in lagu soo afjaro tacaddiyada booliska ee la baxay #EndSARS ayaa markii hore waxaa loo arkay inay yihiin caadifaddii dhalinyada ee mar la aragta aheyd taas oo iska dhammaan doonto,"" ayuu yiri. ""Fakarka noocaas ah ee xad dhaafka ah ee ku jira siyaasiyiinta ayaa sabab u ahaa jawaabta soo daahday ee laga bixiyay dhaqdhaqaaqan aan caadiga ahayn, iyagana ka soo xirxiray fursadihii u furnaa."" Su'aasha ayaa waxa ay tahay xaguu dhaqdhaqaaqaas haatan aadayaa? Guusha dibadbaxa ee dowladda ku qasbay inay isbadello keento - sida in ay ballanqaado in la kala diro Sars, iyo isbadel ballaaran oo lagu sameeyo booliska - ayaa dhalinyarada Nigeria waxa ay ka heleen kalsooni, waxa ayna haatan rumaysan yihiin inay isbadel samayn karaan. Maalmihii ka horreeyay dibadbaxyada, kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa waxaa u suuragashay inay sameeyaan goob dadka laga caawiyo haddii xaalad degdeg ah ay dhacdo. Sidoo kale adeeg dhanka sharciga ah ayey diyaariyeen oo la siiyo dadka u baahdo iyagoo weliba idaacad sameeyay. Arrimahaas waxaa lagu maalgeliyay iskaashi guud arrintaas oo tusaale u noqotay sida Nigeria ay u hagaagi karto haddii aanay siyaasiyiintu meesha ku jirin kuwaas oo badanaa u muuqda inay dantooda uun tahay sidii nafsadooda ay wax ugu heli lahaayeen, halkii ay dalka horumarin lahaayeen. Hasayeeshee dhinac xun oo ay dibadbaxyadu wataan ayaa jira. Halka dadka taageeray ee u soo baxay dhaqdhaqaaqa #EndSARS ay ahaayeen dad si nabadgalya ah u dibadbaxayay, haddana waxaa jiray qeyb ka mid ah dhalinyarada oo dibadbaxyada u arkayay inay fursad yihiinba. Waxa ay kharbudeen dukaamo, waxa ay u dhaceen bakhaaro halka ay bartilmaameedsadeen ganacsiyada ay leeyihiin siyaasiyiinta caanka ah. Walow hab dhaqanka labada kooxood uu kala duwanyahay, haddana waxa ay ka midaysan yihiin: nacaybka ay u qabaan dadka maamulka haya. Mas'uuliyiintu waa ay ka warhayaan in saboolnimada iyo xaaladda adag ee jirta ay halis ku yihiin ammaanka qaranka, sida uu sheegayo Mr Kakanda oo xuquuqda u ololeeya. ""Dowladda waxa ay xaqiiqsatay in carada noocan ah aanay dhayalsan karin sida hore u dhacday oo kale,"" ayuu intaas ku daray. Hasayeeshee waxa ay sii wadday inay qaado tallaabooyin khaldan markii ay iskudayaysay inay xaaladda dajiso. Khudbaddii Madaxweyne Muxamedu Buhari uu dalka u jeediyay fiidkii Khamiistii ""ayuu ku seegay dulucdii hadalka"", sida uu qabo Japheth Omojuwa oo barta internet-ka wax ku qora. Mr Buhari ayaa waxa uu ku baaqay in dibadbaxyada la soo afjaro oo wadahallo la bilaabo, hasayeeshee ""waxaa lagu xasuusan doonaan inuu dadka Nigeria u hanjabay xilli ay dowladooda waydiisteen inay cadaalad samayso"". Sikasta oo uu xaal ahaadaba, Mr Omojuwa ayaa waxa uu rumaysan yahay in dhaqdhaqaaqa #EndSARS wax uun lagu gaari karo. Ma ahan in diiradda lagu saaro hammiga mustaqbalka fog ee ah in awood siyaasadeed lagu gaaro, ayuu ku doodayaa, hasayeeshee waa inay xaqiijiyaani n mas'uuliyiinta ay ka soo dhalaalaan isbadelka ay ballaanqaadeen, booliska habowsanna cadaaladda la horgeeyo. Tallaabooyinkaas yaryar ayaa laga yaabaa in ugu dambayntii ay dhalilyaan isbadel wayn." https://www.bbc.com/somali/war-54672123 +technology Wiilka Afrikaanka ah ee TikTok ugu caansan oo rikoor cusub dhigay "Pakistan ayaa ah waddanka uu saameynta ugu badan ku yeesho kansarka naasaha, marka loo eego guud ahaan dalalka qaaradda Aasiya. In xilli hore la ogaado cudurkan waa arrin muhiim ah laakiin khubarada caafimaadka waxay ka cabsi qabaan in haween badan aysan xanuunka ka haya naasaha usoo bandhigin sababo la xiriira dhaqanka xishoodka ku saleysan. Kansarka Naasaha wuxuu sanad walba dalka Pakistan ku dilaa 17,000 oo haween ah, sida laga soo xigtay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO, inkastoo ururrada samafalka ee arrintan u kuur gala iyo dhakhaatiirta waddankaas ay sheegayaan in tirada dumarka uu cudurkaas noloshooda galaafto sanad walba ay gaareyso 40,000. Waxay sheegeen in cudurkan uu ku dhaco hal ka mid ah sagaalkii dumar ah ee ku nool waddankaas, hase yeeshee xishoodka dhinaca dhaqanka uu aad u adkeeyo in haweenku ay helaan caawinaad noloshooda lagu badbaadin karo. ""Kansarka Naasaha wuxuu ku lug leeyahay xubnaha dumarnimada ee sheegitaankooda afka xitaa lagala xishoodo dalka Pakistan"", sidaas waxaa yiri Cumar Aftab oo ka tirsan hay'ad ka shaqeysa arrimaha kansarka naasaha, oo lagu magacaabo Pink Ribbon Foundation. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: ""Intii loo arki lahaa inuu yahay cudur, waxaa loo arkayaa arrin la xiriirta xubnaha dumarnimada"". Dadka ka badbaaday cudurkan ayaa sheegay inay ""si kalinnimo ah"" u wajaheen. Macallimadda wax ka dhigta dugsiga hoose dhexe ee lagu magacaabo Silvat Zafar waxay ahayd dhowr iyo labaatan jir markii ay buro yar ku aragtay naaskeeda. Waxay go'aansatay inay ka qariso qoyskeeda, kuwaasoo markaas isku diyaarinayay safar dalxiis ah oo ay Mareykanka ugu socdeen. ""Bulshadeenna waxaa caado u ah in gabdhuhu ay qarsadaan arrimaha khaas u ah ee la xidhiidha jidhkooda"", ayey tidhi. ""Maba ka hadli kartid wax noocaas oo kale ah. Aniga afkeyga masoo qaban karin inaan dhaho 'kansarka naasaha'. Hooyadey way geeriyootay waxayna ahayd qofka kaliya ee dumar ka ah qoyska, marka aniga la iga soo tago, sidaas darteed waan iska aamusay"". Intii lagu guda jiray safarka dalxiiska ah, Silvat way qarineysay burada naaska uga taallay, iyadoo xiraneysay dhar waaweyn, sidoo kalena ma aysan ka hadleynin xanuunka daran ee ay dareemeysay. Markii ugu horreysay ee ay caawinaad heshay lix bilood ka dib, xanuunkeeda kansarka naasaha wuxuu marayay heerka saddexaad, taasoo micnaheedu yahay in burada ay weynaatay ayna halis ugu jirtay in cudurku uu kusii fido jirkeeda intiisa kale. Laakiin iyadoo xitaa heerkan khatarta badan joogtay, daaweyntu wali wax way u tari kartay. Xaaladda Silvat mid qeyrul caadi ah kuma aysan ahayn Dr Huma Majeed, oo ka mid ah dhakhaatiirta qalliinka kansarka naasaha ee ugu waaweyn dalka Pakistan. Waxay leedahay xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Lahore, halkaasoo ay ku daweyso boqollaal haween ah oo qaba kansarka naasaha. ""Dumarku naftooda mudnaanta koowaad ma siiyaan marka ay ka fikirayaan qoyska"", ayey tidhi. In ""laga xishoodo"" sheegitaanka kansarka naasaha waa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dumarka reer Pakistan ka hor istaaga in lagu caawiyo daweynta. Haween badan, iyo xitaa ragga ay xaasaska u yihiin raalli kama aha in ay baaritaan ku sameeyaan dhakhaatiir rag ah, maadaama meesha la baarayo ay tahay xubin muhiim u ah astaamaha dumarnimada. Balse waxay Dr Majeed sheegeysaa sababo kale oo sidoo kale caqabad ku ah daweynta dumarka qaba xanuunkaas. ""Waddan ay maamulkiisa dhaqaalaha iyo hoggaanka qoyskaba hayaan rag oo kaliya, sida Pakistan, qorshaha laguma daro daweynta dumarka"", ayey tiri Dr Majeed. Waxaa kale oo ay sheegtay inay saameyneyso dhaqaale xumada ka jirta dalkaas. Sobia, oo 20 jir ah, waxay mareysaa baaritaankeedii ugu horreeyay ee lagu sameayo tan iyo markii ay Dr Majeed qalliin uga goysay buro ay ku aragtay naaskeeda. Gabadhan waxay waxbarashadeeda u deysay si ay u shaqeyso ayna u caawiso walaalaheeda kale. Maanta waxay labo saacadood iyo bar u soo safartay si baaritaankaas muhiimka ah loogu sameeyo. ""Waa arrin xasaasi ah, meeshan waa xubin khaas ah oo ka mid ah jirka haweenka, ugama hadli kartid dadka hortooda"", ayey tiri Sobia. Bisha October waxaa adduunka oo dhan laga sameeyaa wacyigalinta ku saabsan kansarka naasaha, gudaha dalka Pakistan-na hay'adaha samafalka, sida Pink Ribbon Foundation, waxay ku mashquulsan yihiin ol'olaha noocaas ah. Hay;addan samafalka ah waxaa la aasaasay 15 sano ka hor, dhawaan unbayna shaaca ka qaadday in xishoodka uu sabab weyn u yahay kansarka naasaha ee saameynta ba'an ku yeeshay dumarka Pakistan. Ol'olihii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen waxaa lagu bartilmaameedsanayay haweenka da' yarta ah. Waxay booqdeen ilaa 200 oo isugu jira jaamacado iyo mac-hadyo. Waxaa hadda socda qorshe lagu doonayo in isbitaal weyn oo kansarka naasaha ah laga dhiso magaalada Lahore. Dowladda ayaa dooneysa in xaruntaas loo sameeyo shaqaale caafimaad oo kalabar ka mid ah ay yihiin dumar, si loogu dhiirrigaliyo haweenka inaysan xanuunkooda la xishoonin. Waxaa la rajeynayaa in xaruntaas albaabbada loo furo sanadka soo socda ee 2020-ka. Dr Majeed waxay sheegeysaa in dadaallada la sameynayo ay xitaa qeyb ka tahay sidii ragga loogu tababari lahaa arrintan, isla markaana ay u fahmi lahaayeen muhiimadda ay leedahay in xanuunkan la daaweeyo xilli hore. Laakiin ma sahlana in isbaddal dhakhso ah la sameeyo. Silvat Zafar waxay rajeyneysaa in soo bandhigista sheekadeeda ay dumar badan ka caawineyso inay bannaanka soo dhigaan xanuunkooda kansarka naasaha, ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin. ""Wax weyn ayaad u tari kartaa naftaada, ha baqin, soo istaag oo guuleyso"", ayey tidhi." https://www.bbc.com/somali/war-50171429 +politics Uhuru Kenyatta oo lagula taliyay inuu garab weydiisto Farmaajo "Warbaahinta dalka Kenya ayaa hadal haya war kasoo baxay siyaasi horay usoo qabtay xil qaran oo madaxweyne Uhuru Kenyatta kula taliyay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo weydiisto caawinaad ku aaddan sidii uu guul uga soo hoyin lahaa la dagaallanka musuqmaasuqa. Muuqaal Shir jaraa'id ah oo laga duubay Madixii hore ee Laanta Qaran ee la dagaallanka tacaddiga daroogada Kenya, John Michael Njenga Mututho, ayaa lagu shaaciyay warbaahin uu ka mid yahay bogga internet-ka ee wargeyska The Standard iyo sidoo kale baraha bulshada. Mututho, oo sanadkii 2017-kii u tartamay xilka madaxa maamul goboleedka Nakuru, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda mudan tahay ku dayasho. ""Soomaaliya hadda waxay muujisay door hoggaamin ah. Annagu dhankeenna waan uga caawinay xallinta qalalaasaha, hadda annaga ayaa ka rabna garab. Mudane madaxweyne, telefoonka qabso, wac walaalkaa - madaxweynaha Soomaaliya - u oggolow inuu imaado, la wareego dadka aan tuhunsan nahay, sidaasna gacan ha uga geysto dardar galinta dacwaddooda, sababtoo ah xabsiyadiisii ku meel gaadhka ahaa way madhan yihiin, dadkii horay ayaa xabsi weyn loogu wada diray, kuwan ha joogaan xabsiyada ku meel gaadhka ah ee halkaas ku yaalla."" Ayuu yidhi Mututho. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in hadda Kenya uu musuqa meel aad u daran ka taagan yahay, wuxuuna yidhi: ""Annagu uma sii dulqaadan karno arrinta ku saabsan dadka wax u xadaya si ay uga cadheysiiyaan shacabka, si markaas ay usii bataan mudaharaadyada. Kenya Alle ha badbaadiyo."" Dhanka kale wuxuu sharraxay in darisnimada ay ku jirto in la iscaawiyo. ""Xitaa Soomaaliya way leedahay ciidan, maxaan u aadnaa halkaas, ciidamada cirka way leeyihiin, ciidamada badda way leeyihiin, waa daris wanaag uun. Haddii aan annagu isku filnaan weynay, dariska ayaan caawinaad u doonaneynaa, ma dhahayno dacwad ooge guud ma lihin, ma dhaheyno madaxa caddaaladda ma lihin, ma dhaheyno ma lihin guddi la dagaallama musuqmaasuqa iyo hay'adaha kaleba, laakiin dariskaaga waad ka dalban kartaa garab, madaxweynaha Soomaaliya wuu noogu deeqi karaa dambi baadheyaashiisa, way yaqaannaan sida arrimahan loola tacaalo."" Ayuu sii raaciyay. Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay muujisay dadaal xooggan oo ku aaddan la dagaallanka musuqmaasuqa, sida ay tabiyeen warbaahinta maxalliga ah. Dabayaqadii bishii lasoo dhaafay, Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in hadda baadhitaan lagu wado wasaarado, hay'ado dowladda ka tirsan, safaarado iyo bangiyo dhammaantood lagu tuhunsan yahay arrimo la xidhiidha musuqmaasuqa. Isagoo shir jaraa'id ka hadlayay Isniintii ayuu Suleymaan uga digay wasaaradaha inay ku dhaqmaan wax isdabamarin, wuxuuna ku gooddiyay ""in wasiirkii lagu helo musuqmaasuq la maxkameyn doono, dib dambena uusan xafiis dowladeed u qaban doonin"". Sidoo kale howl-wadeennada xafiisyada loogu adeego shacabka ee xukuumadda ayuu farriin u diray. ""Dhammaan shaqaalaha wasaaradaha waa in aysan saxiinin wax ay shaki ka qabaan, haddii ay madaxdoodu ka dalbadaan inay wax noocaas ah saxiixaanna hasoo wargaliyaan xafiiska xeer ilaalinta guud."" Ayuu yidhi." https://www.bbc.com/somali/war-53978498 +health "Carrie Schmitt ""Cadceedda ayaan ka cararaa, illaa heer aan gurigayga uga guuray""" "Markii Carrie Schmitt ay isku aragtay xasaasiyadda nafteeda khatarta gelisay ee ay ka qaaddo kulka cadceedda, waxay taas gayeysiisay inaysan sariirta ka kicin, oo ay shaqadeeda ka tagto kuna wareegto deegaannada Mareykanka iyadoo baadi-goobeysa cimilo qabow. Waxay sidoo kale u horseedday inay noqoto farshaxaniiste. Maalin ay cadeedda Ohio kululeyd sanadkii 2003, Carrie ayaa waxay la socotay wiilkeeda yar. Waxay durba dareentay xanuun iyadoo lugaheeduna ay barareen. Lugaheeda ayaa aad u bararay, waxay u wacday ambalaas isbitaalka ayaana loola cararay. Dhaqaatiirtii daweyneysay ayaa xaaladdeeda ada ula yaabtay. Markii hore, waxay ka shakiyeen in xanuunkeedu uu la xiriiro qaniinyada shinni, balse Carrie ayaa baaritaan lagu sameeyay waxaa lagu ogaaday inaysan shinni qaniinin. Markii ay soo roonaatay waa laga saaray isbitaalka, balse bilihii xigay, waxay la kulmeysay isla xaaladaas oo kale. Kaddib markii lagu sameeyay baaritaanno badan, dhaqaatiirta ayaa ugu dambeyn aqoonsaday xanuunkeeda, waxayna ku sheegeen: Cholinergic iyo solar urticaria - Carrie waxay xasaasiyad ku qabtay kulka iyo qorraxda. Carrie, oo ahayd qof jecel cimilada kulul, ayay arrintaasi naxdin ku noqotay. ""Waxay iila mid ahayd sida in nolosheydii hore ay u dhammaatay,"" ayay tiri. ● Urticaria, waa finan yar yar oo qofka jirkiisa ka soo baxa. �� Waxaa sababa difaaca jirka oo si khaldan u weerara nude caafimaad qaba. ● Toddobadii qof ee qaba xaaladdan urticaria qof ayaa wajaha xaalad isku buuq ah. ● Lama garan weli waxa sababay xaaladdan. Isha: NHS Xasaasiyadda Carrie ayaa aad uga sii dartay heer ay gaartay inaysan isticmaali karin jaranjarada amaba aysan sameyn karin dhaqdhaqaaq deg deg ah sida xaaqidda dhulka. Haddii jirkeedu uu kuleyl dareemo waxay ka qaadi jirtay xasaasiyad. Dr. Mansi Kanuga, ah khabiir dhanka xasaasiyadda kana shaqeysa xarunta caafimaadka ee Mayo Clinic, ayaa sheegtay inay jiraan fakrado kala duwan oo ku saabsan waxa sababay xasaasiyadda cadceedda. Waxay tiri: ""Xanuunnadan waxay ka dhashaan xasaasiyadda unugyada ay ka qaadaan xaalado ka jira deegaanka."" Unugyadan waxay qeyb ka yihiin difaaca jirka waxayna qeb ka qaataan la dagaallanka caabuqa. Markii ay dareemaan xasaasiyad waxay sii daayaan waxa loo yaqaanno histamine. Dhaqtarka Carrie ayaa aaminsan in xasaasiyadda Carrie lala xiriirin karo dhalashada wiilkeeda. Carrie waxaa aad isu dhimay miisaankeeda intii ay naaska nuujineysay wiilkeeda, si ka duwan labadeeda carruur ee kale, wiilkeeda ayaa aad naaska u nuugi jiray. Jirkeeda waxaa ka dhammaatay nafaqada heer ay gaarto in timaheeda ay daataan. Waxay sheegtay, in dhaqaatiirtu ay aaminsan yihiin in laga yaabo in jirkeeda uu dareemay in la soo weeraray, isla markaana uu si khaldan kulka ugu arkay cadow. Sidii ay Carrie isugu dayeysay inuu ka dhaadhaco xanuunka lagu sheegay waxay noqotay qof isku buuq uu ku dhacay. Meesha keliya ee ay badqabka ku dareemeysay waxay ahayd sariirteeda korkeeda, iyadoo muddo bilo ah awoodi weysay inay ka kacdo. Waxay sheegtay inay nasiib lahayd, seygeeda xlligaas wuxuu heystay shaqo fiican iyo caymis caafimaad waxayna awoodday inay carruurta daryeesho, balse waxaa ku adkaatay inay fahanto xaaladdeeda. Waxay mar walba dhihi jirtay: ""Ma saarnaan karo halkan 50 sano. Tani ma noqon karto nolosheyda. ""Maalin ayaa wax ay niyaddeyda ku soo dhaceen waxaana iri: 'Hadda maaddaama ay noloshaada u dhammaatay, maxaadan u sameyneyn waxaad dooneyso oo aadan wax u sawireyn?'"" Carrie ayaa mar walba jecleyd farshaxanka balse markii waxay iska deysay markii ay soo koreysa, waxaana ka dhex galay waxyaabo kale sida inay raadsato xirfad kale oo ka dhaqaale fiican. Kahor inta aysan wajihin xasaasiyadda kulka, waxay ka tirsaneyd Isbitaalka Carruurta ee Cincinnati iyadoo qori jirtay joornaallada caafimaadka, buugaagta waxna ku qori jirtay website-ka isbitaalka. Balse markii ay wax sawireysay, ""waxaan arkay in xaaladdeyda jirka aysan wax micno ah lahayn,""ayay tiri. ""Ma sugi karin inaan soo kaco subixii oo aan wax sawiro. Waxay ahayd waxa keliya ee aan doonayo inaan sameeyo. Waxaan xiriir wanaagsan yeelannay farshaxanka sababtoo ah wuu i badbaadiyay."" Carrie ayaa awoodday inay ku fadhiisato sariirta ayna isku hareereyso dhammaan qalabka wax sawiridda ee ay u baahneyd. Waxay nafteeda ku tilmaantay ""sawir qaade xirfad leh"", oo iyadoo aan ka fekerin ay wax sawirto. Sawirradeedu waa kuwo qurux badan oo ubaxyo midabbo badan leh ah, kuwaas oo muujinaya taariikhda qoyskeeda oo beero ku dhex lahaa guryaha. Inta ay Carrie wax sawireysay, waxay sidoo kale raadin jirtay daaweyn kala duwan. Xaaladaha Cholinergic iyo solar urticaria waxaa lagula tacaalaa in la iska ilaaliyo kuleylka sida biyaha kulul ee lagu qubeysanayo iyo cadceedda. Balse Carrie ayaa ogaatay in daaweyn dhaqameedyada aysan waxba ka tarin xaaladdeeda waxayna bilowday inay raadiso daaweyn dheeraad ah, sida nooca loo yaqaanno AAT. AAT waa iyadoo maro qoyan jirka la saarayo oo lagu riix riixayo. Waa sida toobinta balse wax cirbado ah lama isticmaalo. Carrie ayaa markii hore ka caga jiideysay, balse markii dambe waxay sheegtay in xaaladdeeda ay ka soo reyneysay. Waxay awoodday inay ka soo kacdo sariirta, oo ay gaari waddo mar kalena ay adeegsato jaranjarada. Mararka qaar ayaa waxa aka soo bixi jiray finan, balse xaaladdeeda way soo roonaaneysay. Carrie ayaa markii dambe billowday inay ku wareegto magaalooyinka Mareykanka iyadoo baadi-goobeysa cimilo qabow. Waxay sii wadatay howlaheeda farshaxanka iyadoo u guurtay Seattle halkaas oo ay ka iibsatay gaari iskuul, waxay marisay rinji basali ah, waxayna ugu magac dartay Rosie iyadoo ka dhigtay saldhiggeeda farshaxanka. ""Wuxuu ku soo baxay mid ka mid ah waxyaabaha anfacay nolosheyda,"" ayay tiri Carrie. Iyadoo Carrie xorriyad badan ku heshay Seattle, haddana waxay ku qasban tahay inay ka taxadarto cimilada kulul ee Washington. Marka xilliyada xagaagu ay aad u kulul yihiin, waxay aaddaa meelo qabow ah. Waxay sheegtay in la tacaalidda xaaladdeeda ay ku adkaato mararka qaar. Waxay u xiistaa cayaarihii yaraanteedii, marka ay cimiladu kulushahay qoyskeeda ayaa adeegga guriga u soo adeega. Balse waxay sidoo kale ka dhaxashay waxyaabo wanaagsan. Waxay u horseedday inay buug ka qorto nolosheeda - Sheekada Ubax Walba - oo ay ka qortay farshaxankeeda iyadoo dadka kale online-ka ku barta farshaxanka si ay dadka kale ugu dhirrigeliso inay hal-abuurkooda la soo baxaan marka ay la kulmaan xaalado adag." https://www.bbc.com/somali/war-59574186 +health Mareykanka:Xaafad ay ku badan yihiin Soomalida oo uu fara ba'an ku hayo Corona "Saraakiisha caafimaadka ee magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in xaafadda Cedar-Riverside ee ay sida weyn u degaan Soomaalida uu fara ba'an ku hayo Fayraska Korona. Tirakoob la sameeyay ayaa muujinaya in boqolkiiba 6 kiisaska magaaladaasi laga helay xaafaddaasi, gaar ahaan dadka ku nool dhismayaasha dhaadheer. Maxamuud Axmed Nuur waa wakiilka Baarlamaanka Minnesota ku metala deegaanka 60B, ayaa BBC u sheegay in feyriska Corona uu saameyn ba'an uu ku yeeshay xaafadda uu matalo. "" Cudurka loo yaqaano Corona Feyris saameyn weyn buu ku yeeshay xaafadda aan matalo, dad badan isbataalada ayay ku jiraan, "" ayuu yiri Mr Nuur. Maxamuud Axmed Nuur ayaa waxaa uu sheegay in sababta uu cudurka ugu faafay xaafada Cedar-Riverside ay tahay dadka oo dagan guriyo hal goob ka dhisan islamarkana ay dadka si sahlan isugu gudbin karaan. "" Dadka xaafadda dagan badankood ma aha kuwa dagan guriyo gaar ah, waa guriyaha loo yaqaano Apartment oo dad badan ay wada dagan yihiin ay wada isticmaalayaan hal Wiish, meelaha dharka lagu dhaqdo waa hal meel "" ayuu yiri Mr Nuur. Maxamuud Axmed Nuur waa wakiilka baarlamaanka Minnesota ku metala deegaanka 60B ayaa dhanka kale sheegay in walaaca ay imika qabaan uu yahay xayiraadaha dhawaan la qorshaynayo in la qaado. Waxaa uu intaa ku daray in marka xayiraadaha la qaado dib loo furayo Misaajidada iyo goobaha kale ee ay bulshada isugu yimaadaan islamarkana ay taasi ka dhalan karto in uu cudurka sii faafo. "" Waa tii Bandow gobolkaan ka jiray Misaajidada la soo xiray goobaha laga shaqeeyo la soo xiray mar dhaw dib ayay u furmayaan taasi oo walwal nagu haysa, "" ayuu yiri Mr Nuur. Maxamuud Axmed Nuur ayaa dhanka kale sheegay in wadaan dadaalo wacyigalin ah si looga hortago faafidda feyriska Corona. Waxaa uu intaa ku daray in waaxda caafimaadka gobolka ay ka codadeen in ay la wadaagaan tirada dadka Soomaalida ah ee uu feyriska Corona ku dhacay. "" Waxaan ka codsanay waaxda caafimaadka inay na siiyaan si toos ah tirada Soomaalida ee u cudurka ku dhacay, "" ayuu yiri. Gobolka Minnesota ayaa ah gobolka Soomaalida ugu badan ay kaga nool yihiin dalka Mareykanka." https://www.bbc.com/somali/war-52794619 +business Xaqiiqo Baarista BBC-da : Maxaa ka jira in durba la been abuuray lacagta cusub ee Kenya? "Waxaa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in lacagta cusub ee ay Kenya soo saartay laga sameeyay mid been-abuur ah oo suuqa la soo soo geliyay. 1000-ka shillin ee cusub iyo lacag kale ayaa dhowaan la daabacay iyadoo looga gol leeyahay in lagula dagaallamo musuqmaasuqa iyo lacagta been-abuurka ah. Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay wararka sheegaya in lacagahan been-abuurka ah suuqa la soo geliyay. Si kastaba, lama hayo wax caddeyn ah oo ku saabsan arrintan. Barta Twitter-ka caanka ah ee Ma3Route oo wararka Kenya ka socda lagu baahiyo, isla markaana ay ku xiran yihiin hal milyan oo qof, ayaa lagu wadaagay sawir la sheegay inuu yahay lacagta been-abuurka ah ee suuqa ku jirta. ""Haddii uu qof baaritaan ku sameyn karo sawirkan dadka Kenyan-ka ah ee aan waxba ogeyn way badbaadayaan. Tani waa lacagta been-abuurka ah ee suuqa ku jirta"" ayaa barta lagu soo qoray. Waxaa bartaasi lagu sheegay in mid ka mid ah sawirrada ku xardhan kunka shilin uusan sax ahayn. Si kastaba, tani run maaha, oo sawirka iyo lacagtuba waxba kama khaldana. Qofka sawirkaasi soo dhigay ayaa isku khalday xagga hore iyo xagga dambe ee lacagta, oo muujinaya dhismaha baarlamaanka iyo Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Kenya (KICC). Labada sawirba waxay ku xardhan yihiin lacagta. Sawirka rasmiga ah ee lacagta cusub ayaa waxaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay weriye BBC-da u shaqeeya. Farriin kale oo si aad ah la iskula wadaagay baraha WhatsApp iyo Twitter ayaa lagu sheegay in qof lagu khiyaamay lacag been-abuur ah oo gaareysa $170 (17,000 oo Shilinka Kenya ah). Waxaa qoraalka la raaciyay sawir u muuqda inuu yahay lacagta cusub, waxaana dadka looga digay ""inay ka digtoonaadaan lacagta been-abuurka ah"". Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa sheegay in lacagta sawirka ka muuqada ay leedahay kalar u gaar ah marka la barbardhigo lacagta cusub ee saxda ah. Afhayeen u hadlay bankiga dhexe ayaa BBC-da u sheegtay in ay adag tahay in la caddeeyo sax ahaanshaha lacagta cusub haddii aanan markaas gacanta lagu haynin lacagta, isla markaana aysan weli arkin lacag been-abuur ah oo laga sameeyay tan cusub. Waxaa jira warar sheegaya in arday dhigta jaamacad ku taalla Nairobi la xiray kaddib markii lagu qabtay 10 million oo lacag been-abuur ah. Warkan ayaa lagu wadaagay WhatsApp-ka, waxaana lagu sheegay in lacagtu ay isugu jirtay kun shilin iyo shan boqol oo shilin. Waxaa warka lagu sheegay in ardaygaasi 21-sano-jirka ah la xiray kaddib markii maamulka jaamacadda ay booliiska ku wargeliyeen. Balse bankiga dhexe ayaa sheegay in kiis noocaas ah aanan iyaga lagu soo wargelin." https://www.bbc.com/somali/war-48704832 +politics Jaajuusiinta, mintidiinta iyo dilalka lagu jahwareersan yahay Toogashada laban nin loogu geystay bartamaha magalaada Kabul oo inta badan qalalaaso ka dhacaan ayaa waxay raggani ku sigteen in aanan la ogaan dilkooda. Balse nimanka la dilay ayaa waxaa la sheegay iney iyaga doonayeen in aanan la ogaan heybtooda oo waxay wateen aqoonsiyo been abuur ah. Waxa ay gudaha magaalada Kabul ka sameynayeen iyo cidda dishay ayaa ah arrin qarsoodi ah oo su'aal gelineysa xiriirkii murugsanaa ee kadhexeeyay adeegyada amniga iyo kooxaha xagjirka ah ee gobolka. Balse waxaa caddaatay cidda ay ahaayeen labada nin ee la toogtay. Sida laga soo xigtay sirdoonka Pakistan labda nin waxay ahaayeen xubna muhiim ah oo ka tirsan Taliban-ka Pakistan, oo ah koox horay u dishay boqolaal qof oo reer Pakistan ah. Mid ka mid ah raggaasi ayaa ahaa Sheikh Khalid Xaqqani, oo jaga muhiim ah ka hayay golaha hogaaminta Taliban-ka Pakistan. Waxa uu sidoo kale horay guddoomiye ku xigeen ugu ahaa kooxda. Waxaa lagu soo eedeyay inuu ku lug lahaa dhawr weerar oo dhacday oo lagu qaaday siyaasiyiin caan ka ah dalkaasi Pakistan. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarkii ugu khasaaraha badanaa ee 2014-kii ka dhacay iskuul ku yaalla magaalada Peshwar, kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 150 qof oo ay carruur badan ku jireen. Ninka labdaad ee la dilay ayaa lagu magacaabaa Qari Saif Younis, waxa uuna ahaa taliyaha milatariga Kooxda. Khamiistii Taliban-ka Pakistan ayaa xaqiijiyay geerida iyo heybta labadaasi nin balse faah-faahin dheeraad ah ma aysan bixin. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka soo baxay ururka, nimanka ayaa waxay kulan qarsoodi ah ku yeelan rabeen Kabul iyagoo si toos ah amar uga haystay hogaanka kooxda, balse Ururka ayaanan sheegin cidda ay la kulmayeen. Wararka laga soo xigtay sirdoonka ayaa tibaaxayay in meeydadkooda laga helay meel u dhow hoteel ku yaalla magaalada Kabul oo ay horay uga dheceen laba weerar oo khasaaro badan geystay. Inta badan lama arko xubnaha sarsare ee Taliban-ka Pakistan oo u safraya magaalada Kabul. Labada Taliban ee Afghanistan iyo Pakistan waa ay kala mabda' duwan yihiin. Taliban-ka Afghanistan ayaa waxay in muddo ah dagaal kula jiraan dowladda Afghanistan oo ay taageeraan xoogagga uu Mareykanka hormuudka ka yahay, halka Taliban-ka Pakistan ay weerarradooda diiradda saaraan gudaha Pakistan. Dowladda Pakistan ayaa in muddo ah waxaa lagu eedeeynayay iney tegeerto Taliban-ka Afghanistan. Dhanka kale waxaa lagu eedeeyay in Sirdoonka Afghanistan ay xiriir la yeesheen Taliban-ka Pakistan. Balse labada dalba way iska fogeeyeen iney xiriir la leeyihiin kooxaha Taliban. Bishii December ee sanadkii 2018-kii waxaa Afghanistan lagu dilay hogaamiyihii gooni isu taagga ee Pakistan oo in muddo ahba ku noolaa dalka dibaddiisa. Sannadkii 2013-kii waxaa Islamabad lagu dilay hoggaan sare oo ka tirsanaa Taliban-ka Afghanistan. https://www.bbc.com/somali/war-51412691 +health Mareykanka oo laga helay cudur kale oo maskaxda bani'aadanka cuna "Hal kiis oo ah cudur maskaxda bani'aadanka unugyadeeda cuna ayaa laga xaqiijiyay gobolka Florida ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee gobolkaas. Cudurkan ayaa ah mid dhif ah oo aan marar badan la arkin, balse halistiisu ay aad u weyn tahay. Waaxda Caafimaadka ee Florida (DOH) ayaa sheegtay in qofka laga helay cudurka, oo ku sugan deegaanka Hillsborough uu muujiyay calaamadaha xanuunkaas, oo lagu magacaabo Naegleria fowleri. Cudurkan oo jeermiskiisa uu yahay ili ma qabato ayaa ku dhex faafa maskaxda, wuxuuna sida lagu yaqaanno sababaa dhimasho deg deg ah. Inta badan cudurkani wuxuu ka dhashaa bisha nadiifta ah ee diirran, wuxuuna jirka kasoo galaa sanka. Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Florida wali ma aysan faahfaahinin halka cudrkan uu qofka ka qaaday iyo xaaladdiisu sida ay hadda tahay toona. Khubarada ayaa sheegay in cudurkan uusan ahayn mid ay si toos ah dadka isu qaadsiin karaan. Laakiin waxay isugu gudbin karaan si dabdab. Tusaale ahaan, biyaha uu isticmaalay qof qaba cudurka ayaa qof kale u gudbin kara marka ay sankiisa gaaraan. Cudurrada caabuqa ah ayaa si joogto ah loogu arkaa gobollada koonfureed ee dalka Mareykanka. Laakiin aad bay dhif ugu yihiin gobolka Florida, waxaana tan iyo sanadkii 1962-kii laga helay 37 kiis oo kaliya. Hase yeeshee, maadaama ay khatar badan oo dhimasho ah ka dhalan karto, waaxda caafimaadka ayaa 3-dii bishan July soo saartay digniin ay dadka ku dhaqan deegaanka Hillsborough ugu sheegeyso inay ka taxaddaraan cudurkaas. Shacabka waxaa lagula taliyay inay sankooda ka ilaaliyaan biyaha tubooyinka iyo ilaha kaleba. Biyaha laga digay waxaa ka mid ah kuwa waraha, harooyinka, wabiyada, ceelasha, dooxooyinka iyo kanaallada. Dhammaan meelahaas waxaa la rumeysan yahay inuu jeermiska ku nool yahay xilliga xagaaga ee ay kuleylaha jiraan, gaar ahaan inta lagu guda jiro bilaha July, August iyo September. Dadka uu ku dhaco cudurka Naegleria fowleri waxaa calaamadaha ay isku arkayaan ka mid ah qandho, lalabo iyo matag. Sidoo kale waxay dareemi karaan xanuun qoorta iyo madaxa ah. Inta badan bukaannada uu haleelo waxay ku geeriyoodaan hal isbuuc gudihiis. Saraakiisha waaxda caafimaadka waxay dadka calaamadahaas isku arka ku boorrinayaan ""inay si dhakhso ah gargaar caafimaad u raadsadaan, maadaama uu cudurkan deg deg waxyeello u geysto"". ""Xasuusnow in cudurkan uu yahay mid dhif ah, ka hortaggiisuna uu muhiim u yahay in si nabad ah looga gudbo xilliga xagaaga ee uu diirimaadka jiro,"" ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay waaxda caafimaadka ee Florida. Caabuqyada cudurka Naegleria fowleri way ku yaryihiin dalka Mareykanka, sida ay sheegtay laanta xakameynta iyo ka hortagga cudurrada ee dalkaas. Intii u dhaxeysay sannadihii 2009 ilaa 2018 waxaa waddanka Mareykanka laga soo tabiyay 34 kiis oo kaliya. 30 ka mid ah dadka uu cudurka ku dhacay waxay toos uga qaadeen biyaha, saddex ka mid ah wuxuu ka soo raacay tubooyin ay biyo ka isticmaaleen dad caabuqa qaba oo sankooda taabtay, halka qof kalena uu cudurka ka qaaday tubo Waddamo kale, oo ay ka mid tahay Pakistan, ayaa cudurkan dilaaga ah laga soo tabiyay. Sanadkii 2012-kii ayuu 10 ruux ku dilay magaalada Karachi." https://www.bbc.com/somali/war-53286173 +religion Aragti gaar ah: Maxaa kala socotaan markii ay midoobeen Hinduuga iyo Muslimiinta "Boqol sano ka hor, gumaystihii Bombay (oo hadda loo yaqaan Mumbai) waxay goob joog ka noqdeen mid ka mid ah colaadihii ugu yaabka badnaa ee soo maray taariikhda Hindiya halkaas oo dadka Hinduuga ah iyo Muslimiinta ay u midoobeen la dagaalanka kooxaha kale oo ka soo horjeeday. Taariikhyahan Dinyar Patel, oo wax ka qoray cashar ay Hindiya ka baratay maalintaas oo ka mid ah dhacdooyinka macnahaha ee dalkaas. Rabshadihii 1921-kii, oo loo yaqaanay Rabshadahii Boqorkii Wales, hadda waxa ay tahay dhacdo la illoobay oo ka dhacday Mumbai. Laakin wakhtiyadan qalalaasaha badan, waxa ay bixinaysaa duruus muhiim ah oo ku saabsan xagjirnimada diinta iyo nidaamka ay jaangooyaan dadka intooda badan. Halyeyada lagu xuso dhacdadan waa geesiyaashii xornimada Hindiya, waxaana xilligaa mideeyey iska dhicinta kooxo doonayey xukun iyo weynaynta diin kale. Dhacdooyinkaas rabshada ah waxaa huriyay dad kala fikrado duwan sida oo kalena kala hadafyo kale lahaa. Bishii Noofambar 1921, Boqorkii Wales, ka dib Boqor Edward VIII, ayaa bilaabatay safar boqortooyo kaas oo gaaray Boqortooyadii Hindiya. Hindiya waxay xilligaas ku jirtay hordhaca dhaq-dhaqaaq iskaashi ee Mahatma Gandhi, kaas oo ahaa khatarta ugu weyn ee gumaystihii Ingiriiska, tan iyo kacdoonkii 1857. Isagoo watay calanka ""Midnimada Hindu-Muslimiinta"", Gandhi wuxuu ku biiray xoogagga la odhan jiray Khilaafada, oo ay hoggaaminayeen Muslimiinta Hindiya. Waxay ka walaacsanaayeen in ka dib jabkii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ka soo gaadhay dagaalkii koowaad ee aduunka, in Great Britain ay meesha ka saarayso suldaankoodii, oo ay u arkayeen inuu ahaa khaliifkii sharciga ahaa ee Islaamka. Iyaga oo ku jiray xilli cajiib ah oo walaaltinimo wadaag ahayd oo dhexdooda taalay, haddana midnimada Hinduga iyo Muslimiinta waxay kor u qaadday oo cabsi ku abuurtay israacii aqlabiyadda ahaa ee kooxihii tirada yaraa sida: Masiixiyiinta, Sikhs, Parsis iyo Yuhuudda. Gandhi ayaa sheegay in aysan jirin wax ay ka cabsadaan. ""Mawqifka Hindu-Muslimka macnaheedu maahan in bulshooyinka waaweyn ay xukumaan bulshooyinka yaryar,"" ayuu ku dhawaaqay. Dhankiisa, Amiirka Wales, wuxuu si aan rajo lahayn u filayay in booqashadiisa ay kiciso dareenka daacadda ah ee uu ka saaro meesha dhaqdhaqaaqii Gandhi. Iyaga oo ka jawaabaya, Congress-ka, Qaranka Hindiya waxa uu go'aansaday in uu amiirka ku soo dhaweeyo Bombay si adag iyaga oo malintaa sameeyey shaqo-joojin, sidoo kale dab qabadsiiyey maryihii ay sameeyeen shisheeyaha, oo astaan u ahaa imbaraadooriyadda dhaqaale ee Britain. Subaxnimadii 17-kii Noofambar 1921, tiro aad u badan oo ka mid ahaa dadka degganaa Bombay ayaa diiday shaqo joojintaas, waxayna ka qaybgaleen soo dhoweynta imaanshaha amiirka. Qaar badan oo ka mid ahaa dadkaas wanaagga ka filayey waxay ahaayeen Parsis, Yuhuud iyo Anglo-Indian. In kastoo Gandhi uu dardaarankiisii ahaa inuu ahaado mid aan rabshad lahayn, Kongareeska iyo mutadawiciinta kooxda khilaafada ayaa si cadho leh uga falceliyay. Homai Vyarawalla, oo noqotay haweeneydii ugu horeysay ee sawir qaade ah ee Hindiya, ayaa goobjoog u ahayd dhacdooyinkan. Markii aan wareystay 2008dii, waxay dib u soo xasuusatay gabdhihii iskuulka Parsis ee ciyaarayey ciyaarta garbis - oo ah ciyaar dhaqameed - si ay u soo dhaweeyaan amiirkii Wales. Laakin maalmihii xigay, Vyarawalla waxa ay la kulantay dagaalo ka dhacay wadooyinka Bombay. Rabshadaha waxay u isticmaaleen dhalooyinka soodhaha sidii madfac dilaa ah. Waxayna beegsadeen bakhaaro khamriga lagu iibiyo oo dadka Parsis ay lahaayeen, iyaga oo ku tuuray dhagxaan kuna hanjabay in ay gubi doonaan. Markii ay rabshadaha ruxeen Bombay, Hinduuga iyo Muslimiinta ka dambeeyay rabshadahaas ayaa si gaar ah u bar tilmaameedsaday dukaamada khamriga oo calaamad u ahaa awoodda dhaqaale ee Parsis iyo iska caabintooda siyaasadda waddaniga ah. Waxay ku hanjabeen inay gubi doonaan hal dhismo oo ay degganayeen dadka qaar ee Parsi oo bakhaar khamriga ahina ay ku yaalleen dabaqa hoose, iyaga oo ka tanaasulay kaliya markii mulkiilaha bakhaarka debedda ku soo daadiyey khamrigii yaallay. Gandhi wuxuu si degdeg ah uga falceliyay rabshadaha, isaga oo isu keenay hoggaamiyayaashii bulshooyinka kala duwan, si ay nabadda u soo celiyaan. 19kii Noofambar, wuxuu bilaabay cunto-joojintiisii ugu horreysay abid ee ka dhanka ahayd rabshadaha diimeed, isaga oo wacad ku maray in uu ka fogaanayo cuntada iyo cabitaanka illaa ay rabshadaha yaraanayaan. Xeeladihiisa ayaa shaqeeyay: 22 Noofambar, Gandhi waxa uu gaadhay heer uu cuntadii soo celiyo, iyada oo ay ku hareeraysanaayeem Hindi bulshooyin kala duwan aha iyo sidoo kale kala aamminsan fikirro siyaasadeed. Haddaba, sida Bombay ay uga soo kabsato iskahorimaadkaas, Gandhi waxa uu ka shaqeeyay si uu u soo ceshado kalsoonida dadkan laga tirada badan yahay. Waxaana ugu cajiibsanaa waxyaahilihii u sameeyey, Gandhi in uu beddlay halkudhiggii midnimada ee Hindu-Muslim, mid cusub oo ah : ""Midnimada Hindu-Muslim-Sikh-Parsi-Christian-Juud"". Waxay ahayd odhaah aan caqli-gal ahayn, laakiin waxay qabatay shaqo culus, oo ka caawisay qancinta dadka laga tirada badan yahay in ay boos ka heli doonaan Hindiya madax-bannaan. Ugu yaraan 58 qof ayaa ku dhintay rabshadahaas, halka in badan oo ka mid ah goobahaa khamriga lagu cabbo ee Bombay la weeraray. Dhanka Amiirkii Wales, rabshadaha waxay calaamad u noqdeen booqashadiisa iyada oo ahayd bilow xun. Taas oo keentay in meelo kale oo Hindiya ah, lagu soo dhaweeyo weerarro ama sidoo kalena loogu hanjabo dil. Laakin diblumaasiyadda Gandhi ee adkeyd ayaa sababta in hadda la iloobay rabshadashaas. Waxa uu meesha ka saaray sarrayntii aqlabiyadda, isaga oo hubinaya in rabshadaha aanay si joogto ah nabar ugu noqon Bombay. Taa oo ka dhigaysay in dhacdad ay ku sugan tahay cashar maanta wax laga baran karo. Waxaa jira cashar kale oo ku aaddan in markatsa oo ay taliso inta badan in aanay sii waarin Waxaa laga yaabaa in taasi tahay sababta Gandhi uu aad isugu deyey in uu taas meesha ka saaro beddelkeedana uu adkeeyay dulqaadka isaga xitaa kuwa ugu yar ee laga tirada badan yahay faraya hawshaas. Boqol sano ka hor, wuxuu soo saaray digniin degdeg ah: haddii aqlabiyadda maanta u midoobaan inay dadka kale dulmiyaan, markaa ""berrito midnimadasi waxaa jabinaya dad dano kale hagaya, sida hanti ama dan kale ama diin been abuur ah"", oo uu ka waday mar aad uun baad kala jabi doontaana gaar ha u bixina." https://www.bbc.com/somali/war-59376700 +health Maxaa sababay in cudurka Jabtada uu ku bato UK? "Tirada dadka uu ku dhaco cudurka lagu kala qaado galmada ee loo yaqaanno Jabtada ayaa heerkii ugu sarreysay ka mareysa waddanka UK tan iyo markii diiwaangalinta la billaabay in ka badan 100 sano ka hor. Isku darka 70,936 ruux oo kiis ayaa lasoo tabiyay sanadkii lasoo dhaafay - waxayna tiradaas afar meelood meel ka badan tahay tiradii 2018-kii. Inkastoo aan lasii saadaalin karin xilligan hore, haddana khubarada caafimaadka waxay rajeynayaan in sanadkan 2020-ka ay hoos u dhici doonaan dadka uu ku dhaco cudurkaas. Hoos u dhaca ayaa la filayaa inuu saameyn weyn yeesho maadaama sanadkan billowgiisii uu jiray amar xayiraad loogu soo rogay UK, fayraska corona awgiis. Taasi waxay ka dhigan tahay in sanadkan ay yaraayeen dadka galmada sameynayay. ""Cudur safmar ah ma noqon karo sida ugu fiican ee lagu yareyn karo dadka uu ku dhaco xanuunka jabtada,"" ayuu yidhi Fraser Wilson, oo ka tirsan hay'adda samafalka ee ka shaqeysa arrimaha la xidhiidha cudurrada galmada, Terrence Higgins Trust. ""Marka inkastoo ay xayiraadda fayraska lagu dhimayay ay sabab u noqon karto hoos u dhaca tirada sanadka dambe, waxaa haddana loo baahan yahay qorshe toosan oo dhibaatadaas wax looga qabto."" Warbixinta ay soo saartay hay'adda Caafimaadka Dadweynaha ee England ayaa lagu sheegay in muddadii u dhaxeysay 2018 -laa 2019 ay korodhay saameynta cudurka Jabtada iyo xanuunno kale oo lagu kala qaado galmada ee laga soo tabiyay dhammaan dadka ay da'dooda tahay 15 iyo wixii ka sarreeya. Dadka ugu badan ee cudurka jabtada uuku dhacay waa kuwa ay da'dooda u dhaxeyso 20 ilaa 24 sano. Tiradaas oo horay u ahayd 13,623 ayaa gaadhay 17,443. Astaamaha cudurka jabtada lagu karto waxaa ka mid ah in wax adag oo cagaaran ay kasoo baxaan xubnaha taranka, xanuun la dareemo xilliga kaadida iyo in uu dhiig yimaada xilliyada u dhaxeeya labada caado ee gabadha. Hase yeeshee, inta badan cudurkaas calaamadihiisa masoo muuqdaan. Tirakoobkii ugu dambeeyay ee cudurkaas lagu sameeyay waa mid naxdin leh, laakiin khubaradu waxay sheegeen in kororka lagu yareyn karo baaritaan dheeraad ah. Inkastoo khubarada qaarkood u arkaan in cudurka safmarka ah uu yahay ""fursad hal mar uun la helo"" oo yareyneysa tirada xanuunka, haddana kuwo kale waxay aaminsan yihiin in natiijadaasi ay tahay mid aan joogto noqon karin. Hoos u dhaca qeyb ahaan waxaa sababay in dadka shaqada looga fasaxay si ay fayraska isaga baadhaan - laakiin talooyinka kala fogaanshaha dadka qudhoodu waxay horseedeen in ay yaraato galmada la sameeyo. ""Xayiraaddu waxay sabab u noqotay in ay adkaadaan kulamada dadka,"" ayuu yidhi Dr Mark Lawton, oo ka tirsan Dalladda caafimaadka Galmada iyo HIV-ga ee Britain. ""Laakiin meelo badan oo ka mid ah waddanka waxaa hadda laga sameeyaa adeeg baadhitaan oo dadka loogu geeyo guryaha... haddii dhanka kale laga eegana, dadku waxay dawooyinka ku heli karaan qaab sidaasoo kale ah.""" https://www.bbc.com/somali/war-54055994 +health Daraasad: Sharaabka aan u isticmaalno miisaan dhimiista waxtar caafimaad ma noo leeyahay? "Shen Warn waxaa uu geeriyooday Jimcihi la soo dhaafay. Si caadi inuu ninkaasi u dhintay ayaana la sheegay. Hase yeeshee Shen inta uu geeriyoon 14 maalmood waxaa cunta u ahaa sharaabka oo keli ah. Inta uusan dhimman maalma ka horna waxaa laga hayaa inuu yiri ""Qorshahayga July ee sanadkan qaab dhismeedka jirkeyga inaan ku celiyo sidi hore uu ahaan jiray,"" isaga oo bartiisa Twitter-ka sawir hore soo dhigay . Wuxuuna marar badan isku dayay inuu miisaankiisa dhimo maadaamaa cayilka bariyahan dambe ku yimid uu aad ula murugsanaa. Sharaabka aan miisaan dhimista u isticmaalno sameynta ay jirka u geysanayaan maxay yihiin? Cunnooyinkaasi oo noocyo badan isugu jira. Ujeedka sharaabkaasi ay dadka u isticmaalaanna waxay ku sheegaan iney tahay iyaga oo isticmaalaya cunta aan lagu cayileyn iney baruur badan gubaan si ay u caatoobaan. Cuntooyinka Sharaab ahaan loo isticmaalo oo la rumeysan yahay iney jirka wasaqda ku jirta ka nadiifinayaan waxay isugu jiraan khudaarta iyo miraha kala duwan. Hase yeeshee, khubaradu waxay ka digayaan iney dadku ka taxaddaraan sharaabkaasi. Walaalaca ay Khubarada caafimaadka sharaabkaasi ka muujinayaanna wuxuu yahay qofku isaga oo aan is ogeyn inuu sharaab badan qaato dhibaatooyin caafimaadna uu kala kulmo, iyada oo dadka qaarna ay sharaabkaasi qaarkood caafimaadkooda u wanaagsaneen. Hay'adda Bixisa Adeegga Caafimaadka ee UK (NHS) waxay sheegtay dadka maalinti jirkooda uu u baahan yahay ama uu qaadan karo cuntooyin laga helo 800 oo Calorie iney yihiin dad kooban. Gaar ahaanna dadka uu hayo laba nooc oo ka mid ah cudurka macaanka iyo dadka aadka u cayilan. Waxayna khubaradu ku talinayaan iney dadku ka taxaddiran iney sharaabkaasi iska qaataan iyaga oo aan dhakhaatiirta ama khubarada cunnooyinka ku xeel dheer kala tashan. Hase yeeshee, waxay si gaar ah uga digayaan sharaab kasta oo qaab online ah lagu soo iibsado kaddibna la isticmaalo inaan inta badan cayilka lagula dagaallami karin. Sharaabka noocyadiisa kala duwan ee ay khubaradu caafimaad ahaan ka deyrinayaan dhibaatooyinka laga dhaxlo waxay ku sheegeen iney ka mid yihiin madax xanuun, wareer (dawakhaad), daal tira badan, shuban ama calool fadhi. Xataa sharaabka noocyada caafimaadka u wanaagsan wuxuu waxyeello u geystaa quruxda ilakaha ayey yirahdeen khubarada . Qofka Calorie ku filan haddii uu heli waayana waxay khubaradu sheegeen neftiisu iney isbaddaleyso af-urna uu ku imanayo. Dhibaatada sharaabka ee ay dadka miisaan dhimista u isticmaala ay la kulmaanna waxaa kale oo ka mid ah iney dadkaasi badankood halka ay caatoobi lahaayeen ay cayilaan. Waxayna khubaradu ku talinayaan iney dabeecadda jirkooda la socdaan, ayna raacaan talooyinka khubaradu sida oo kalana halka ay sharaab oo keli ah ay ku tiirsanaan lahaayeen iney dajistaan qorshe joogta ah oo ay hadafkoodu ku gaari karaan. ""Cuntooyinka qof uu cuni jiray oo uu gabi ahaanba iska joojiyo ama uu yareeyo, cuntooyinka jirka uu ka heli lahaa Carolie ku filan xal ma aha,"" ayuu leeyahay Dr Siman Stensen oo ka tirsan ururka takhasusuaadka cunnooyinka ee Britain. ""Mararka qaarna jirka aan moodeyno inuu isdhimay oo u muuqdo inuu hilib ka dhacay waxaa sababab murqaha qofka oo daciifo tamarti ku jirtayna ay ka dhammaato. Cuntooyinka sida degdegga ah loo joojiyo iyo caatanamida ku timaadda isbeddelka ku yimaadda cunnooyinka mararka qaar qofku waxay qofka ku keenaan xameetida inuu dhagax galo, iyo dhibaatooyin caafimaad oo la mid ah inuu qofka la soo derso,"" ayuu yiri. Qofka haddii ay haysato xaalad caafimaad darro inta uusan baddalin cuntooyinki uu isticmali jirayna waxaa wanaagsan inuu la tashato khubarada cafimaadka ama kuwa ku takhasusay cunnooyinka. Khubarada takhasuskoodu yahay cuntooyinka waxay sheegayaan noocyada kala duwan ee cuntooyinka ee aan isticmaalno iney isugu jiraan kuwa waxtar aad u weyn noo leh iyo kuwa caafimaad darro noo keeni kara. Waxaana inta badan sameynta caafimaad ee cuntooyinkaasi u geystaan jirkeenna ay ku xiran tahay habka aan u bisleyno, xaddiga aan cuntadaasi ka qaadanno, xilliga aan isticmaalno iyo waxyaabaha kale ee cuntooyinkaasi marka la sameynayo lagu daro. Waxaana marag ma doonta ah sida ay khubaradu sheegayaan iney jiraan cuntooyin badan oo khatar caafimaad oo aad u weyn aan ka dhaxli karo oo dadkuna iyaga oo aan ogeen ay si joogta ah u isticmalaan." https://www.bbc.com/somali/war-60699727 +technology Afar arrin oo muhiim ah ka ogow App-ka ay Soomaalidu ku daadatay ee Sweatcoin "W.Q: Cabdishakuur Casoowe Waxaa maalimihii dambe si wayn u xoogaystay hadal-haynta ku saabsan App-ka Sweatcoin, kaasoo Soomaali badan ay ka daba dhaceen. Baraha bulshada ayaa aad looga dareemayay xiisaynta barnaamijkan oo lacag abaalmarin ah laga helo marka socod la sameeyo. Dad badan ayaa sida muuqata raadinayay xog ku saabsan app-kan oo aan ahayn mid cusub, balse baraha bulshada ee Soomaalida laga danaynayay. Waa barnaamij App ah oo ku shaqeeya teleefoonnada gacanta ee casriga ah ee loo yaqaan ""Smartphones"", waxa aadna si lacag la'aan ah uga soo degsan kartaa suuqyada dhijitaalka ah ee Android, Windows, iyo iOS. Sanadkii 2016 ayaa markii ugu horraysay la aasaasay barnaamijkan, saldhiggiisuna waa magaalada London ee dalka Britain. App-kan waxa ay ujeeddadiisu tahay inuu xisaabiyo inta tallaabo ee aad qaaddo marka aad socoto ama ordayso. Mar walba tirada socodkaaga ayaad ku helaysaa lacag abaalmarin ah. Jimicsiga uu ka mid yahay socodka ee lagu dhimo miisaanka way adag tahay in la joogteeyo, gaar ahaan marka uusan lahayn wax kugu dhiirrigelinaya, balse haddii aad abaalmarin ku helayso waxaa laga yaabaa in uu kuu sahlanaado. ""Ganacsigan gebi ahaantiisba waxaa looga gol leeyahay in qiime loo yeelo dhaqdhaqaaqa,"" ayuu yiri Oleg Fomenko, oo ka mid ah aasaaseyaasha Sweatcoin, mar uu la hadlayay Wakaaladda Wararka ee Reuters. ""Ugu dambayn, sweatcoin waxa uu hayaa waddada uu qiime ugu yeelan lahaa lacagta giniga Britain,"" ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Sida iska cad app-ka sweatcoin waxa uu leeyahay labo faa'iido oo qof walba u muuqan karta. Midda koowaad waa in qofka barnaamijkan isticmaala uu sare u qaadayo caafimaadkiisa, maaddaama uu helayo jimicsi waxtar u leh jirkiisa. Tan labaadna waa in laga helayo lacag mar walba ku xiran dadaalkaaga inta uu gaarsiisan yahay. Waa hubaal in labadan arrimood ay sabab u yihiin tirada dadka sii badanaya ee soo degsanaya app-kan oo hadda gaaraysa ilaa 100 milyan, sida lagu sheegay bogga internet-ka ee sweatcoin. Sweatcoin kama duwana barmnaamijyada noociisa ah ee kaydiya xogta khaaska ah ee dadka macaamiisha u noqda, inta badanna walaac ayaa laga muujiyaa arrintaas. Bogga barnaamijkan ayaa si toos ah u caddaynaya in qaybo ka tirsan xogtaada ay qaadanayaan si ay mararka qaar kuula soo xiriiraan shakhsi ahaan ama ujeeddooyin silloon ay u adeegsan karaan. Waxaa intaas dheer in macluumaadkaaga ku jira bogga aad ku leedahay sweatcoin, sida sawirkaaga iyo magacaaga, uu heli karo qof walba, dibna uu u isticmaali karo. Mowduucan waxa uu horay u dhaliyay muran xoog leh oo la xiriira shirkadaha internet-ka. Hadda waxaa taagan muran la xiriira TikTok oo lagu eedeeyay in uu si sharci-darro ah u isticmaalo macluumaadka macaamiisha. Mareykanka ayaa dhowr isbuuc ka hor laga billaabay dood lagu doonayo in gebi ahaanba lagu xiro TikTok. Sidoo kale, waxaa horay walaac xooggan looga muujiyay halista ka imaan karta barnaamij dhowr sano ka hor aad loo xiisaynayay oo lagu magacaabo FaceApp. Khasaare kale oo barnaamijkan uu leeyahay waa in uu u daran yahay beteriga moobilka oo uu cimri-degdeg ku rido. Shaki kuma jiro in sweatcoin uu yahay app si sax ah u shaqeeya oo aan dadka lagu marinhabaabinayn. Barnaamijkan marka aad isticmaalayso waxa uu 1,000 tallaabo oo kasta kuu xisaabinayaa 0.95 oo ah lacagta gaarka u ah ee loo yaqaanno sweatcoin. Marka ay lacagtan kuu gaarto 10 coin iyo wax ka badan ayaad isticmaali kartaa, adigoo ku iibsanaya qalab iyo adeegyo kale. Ilaa hadda, lacagta sweatcoin ma noqon karto lacag caddaan ah, balse waxa ay ka mid tahay lacagaha dhinaca internet-ka looga adeegto. Suuqyada online-ka ayaad ka dukaamaysan kartaa adigoo isticmaalaya lacagta sweatcon-ka ee kuugu jirta akoonkaaga. Meelaha aad uga adeegsan karto waxaa ka mid ah Amazon ama waxaad ku heli kartaa kaararka wax lagu iibsado ee PayPal-ka. Laakiin lacagta kuugu jirta akoonka sweatcoin kuma xawili kartid akoonkaaga bangiga." https://www.bbc.com/somali/articles/c5124lk7yzlo +politics Doorashada Maraykanka: Maxay dadkan Afrikaanka ah ugu duceynayaan Trump si uu u guuleysto? "Inkasta oo ay hadal gaf ah uu horay uga sheegay qaaradda Afrika, haddana waxaa jira bulshooyin badan oo ka mid ah Kirishtanka ku nool qaaraddan Afrika oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump aad ula dhacsan. ""U duceeya (Trump) sababta oo ah ilaahey mid ka mid ah carruurtiisa marka uu rabo inuu xil u dhiibo wuu u dhiibaa, balse dunida waxay sameysaa wax weliba oo ay ku burburineyso shaqsigaasi, ayuu yiri baadariga reer Nigeriya Chris Oyakhilome bishii June. Wuxuu sida oo kale baadariga uu dhaleeceeyey Madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga, ee doonayo doorashada November in dib loo doorto isaga oo sheegay ineysan jecleen taageerayaal badan. Madaxweyne Trump ayaa ah hoggaamiye caan ka ah dunida oo dhan wuxuuna si gaar ah uu caan uga yahay dalalka Nigeria iyo Kenya, sida ay tibaaxeyso warbixin uu shaaciyey machadka cilmi-baadhista Pew, aageerayaal badan inuu Trump ku waayey qaaraddan Afrika marki uu dalalka Afrika uu 2018 hadal gaf ah oo waddamada qaaradda Afrika badankood ka careysiiyey uu ka soo yeedhay. Dalalka Nigeriya iyo Kenya ayaa ah waddamada ay diimaha ku xooggan yihiin. Dalka Nigeriya oo ah dalka ay ku nool yihiin tirada dadka ugu badan qaaraddan Afrika Koonfurtiisa waxaa ku nool dad aan yareen, halka ay siyaasiyiinta Kenya marka ay taageerayaashooda la hadlayaan ay kaniisadaha aadaan. Dadyow badan oo aaminsan Kirishtanka Evangelical oo ku nool qaaraddan Africa, intooda waxay ka soo horjeedaan ilma iska-xaaqidda, xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee iisu tago isla-markaana waxay tageeraan Israa'iil iyada oo madaxweynihi xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka soo maray ee Barack Obama uu Kenya ka soo jeedo. Ololihi ka socday dalka Mareykanka ee ku aaddanaa ee looga soo horjeeday cunsuriyadda loo geysto dadka madowga ee dalkaasi ku nool waxaa afduubay doodda siyaasadda mareykanka ee la xidhiidha Covid-19. Siyaasiyiinta doorashada ku loollamayaa waxay doddooda xoogga ku saareen dhaqalaha, sida loo maareeye yfaayraska corona, iyo arrimo la xiriira. Doodda ku saabsan ilma iska soo xaaqidda ayaa ah xuddunta siyaasadda Mareykanka 40-kii sano ee la soo dhaafay. Dadka caddaanka ee aaminsan diinta Kirishtanka ee Evangelical ayaa iyaguna u dhaqaaqa ka hortagga ilma iska soo xaaqidda, iyaga oo dhaqdhaqaaqoodaasi u beddelo saameyn siyaasadeed oo xoog badan. Madaxweyne Carter oo aaminsan diinta kirishtanka ee Evangelical, waxay u arkeen mid dhexdhexaad ah iyaga oo codkooda siiyey si markale loo soo doorto. Daka caddaanka ee aaminsan Evangelical ayaa muhiim u ah codka uu helo xisbiga jamhuuriga ee dalka Mareykanka, si saameynta ay caalamka ku leeyihiin gaar ahaanna qaaradda Afrika ay u sii xoojiyaan. ""Diinta shaqsiga ayey ku xiran tahay, aniguna waxay ii tahay nolol...Kirishtanka qaaradda Afrika ku nool waxay aaminsan yihiin madaxweyne ka soo jeeda xisbiga jamhuuriga inuu u wanaagsan yahay Mareykanka iyo caalamka intiisa kalaba"" ayuu yiri baadari Emeka Ezeji. Mr Trump dhawaan wuxuu taageerayaasha aamisan diinta Kirishtanka uu u gudbiyey farriin uu bartiisa Twitterka uu soo dhigay oo uu ku sheegay doorashada November haddii uu ku guuleysan iney khatar jirto xorriyadda diinta iyo ilma iska soo rididda. ""Haddii uu Trump guuleysto ama uu guul darreysto kuma xirna, waxay ku xiran tahay waxa kitaabka Kirishtanka uu sheegayo, haddii uu guuleysto waxay la micno tahay wakhti dheeri ah ayaan heleynaa haddiise uu guul darreysto ma haysanno wakhti badan ayey ka dhigan tahay,"" ayuu yiri baadari Ezeji." https://www.bbc.com/somali/war-54534549 +business Cunto Soomaali: Cuntadee ayay Soomaalidu caalamka ugu faantaa marka ay Itoobiya ku faanto Canjeero? Musalsalka BBC-da ee lagu soo bandhigo sheekooyinka ay soo qoraan wariyeyaasha reer Afrika, ayuu Ismaaciil Caynaashe uga hadlayaa muhiimadda uu leeyahay raashinka ay karsadaan dadka laga qixiyay dalkooda. Muddo aan saas usii fogeyn, maqribnimo Jimce ah oo uu roob ka da'ayay London, ayaa koox saaxiibbadeey ah kusoo dhaweeyay guriga aan dagganahay, si ay iila wadaagaan cunto Soomaali aan diyaarinayay muddo saacado ah. Waxaa ku jiray noocyo badan oo ka mid ah raashinka ay Soomaalida jecel yihiin, sida bariis iyo hilib, kuwaasoo aan ku kariyay dhirta carafta ee ay ku jiraan heyl, xawaaji iyo dhagayare. Waxyaabahan waxay raashinka si rasmi ah uga dhigayaan cunto Soomaali - oo waxyaabo badan ka kooban aadna u macaan. Baariska waxaan la keenay hilib - gaar ahaan nooca hilib geel - oo ah mid si tartiib ah muddo saacado ah loogu huuriyay geedo caraf kulul oo ay ka mid yihiin basal iyo toon. Waxaa kale oo aan miiska soo dhigay cunto Soomaalidu aad u isticmaalaan oo ah baasto suugo looga dhigay hilib shiidan - waana raashin kasoo aasaasmay markii ay Soomaaliya ku jirtay gumeysigii Talyaaniga. Balse Soomaalida waxay ka baddashay in in ku darsato hilibka lo'da, ariga ama geela, annagoo ku carfinna geedo aan si gaar ah u naqaanno, kuwo kalena ku kululeyna, sida basbaaska. Raashinka Soomaalidana wali ma dhammeystirna haddii aan lasoo raacinin moos iyo basbaas shigni. Shigniga waxaa laga sameeyaa basbaaska cagaaran oo lagu kariyay yaanyo, raqay iyo kabsar caleen. Mar walba waan jeclaan jiray inaan kariyo iyo inaan cuno raashinka ay caanka ku yihiin Soomaalida. Sannadihii aan barashada cunto karinta waday waxaan ku qaatay jikada anigoo daawanaya dumarka qoyskeenna oo diyaarinaya cunto aad cajiib u ah. Balse bilihii ugu dambeeyay, oo aan ku xayirnaa London, saraffadiina loo joojiyay cudurka Covid-19 awgiis, waxaan ogaaday in raashinka aan karsanayay uu aad ugu ekaaday cunto Soomaaligii la yaqaannay. Hadal-heynta cunto Soomaaliga waxay kusoo aadday xilli sanadkan uu ku asteysan yahay taariikh weyn - maadaama 2021-ka uu ku beegan yahay 30 guuradii kasoo wareegtay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo billaabashada dagaalka sokeeye. Marka aan sameeyo cunto Soomaaliga, anigoo jarjaraya basal badan ama isticmaalaya alwaaxa hibilka lagu jarjaro, ama xitaa aan cabayo shaah Soomaali - oo ka sameysan caano, caleen iyo geedo kulkulul - maskaxdeyda waxaa dib ugu soo dhaca maalmihii aan qoyskeyga kula noolaa magaalada Hargeysa, oo ah caasimadda meesha hadda loo yaqaanno Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Qoyskeyga waxay sida qoysas badan oo Soomaali ah ugu khasbanaadeen inay ka cararaan gurigooda ayna qaxooti ku noqdaan Itoobiya, ka hor inta aysan nolol cusub ka billaabin waddanka UK. Hadda markaan daawado musiibada ka dhaceysay Afghanistan, waxaan soo xasuustaa xanuunka ay leedahay in gurigaaga lagaa qixiyo. Waxaad waayi kartaa waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin luuqaddaada, laakiin raashinka - waxyaabaha lagu daro, nooca cuntada iyo magacyadeeda way kula soconayaan. Waxay noqoneysaa hab aad ku qaddariso dhaqankaaga - iyo hab aad sidoo kale ku muujiso jacaylka aad u qabto saaxiibbadaada cusub ee aad ku baratay waddanka aad timid. Si ka duwan cuntooyinka dalalka kale ee Bariga Afrika, sida raashinka Eritrea ama Itoobiya, aad bay u yar yihiin dadka yaqaanna cunto Soomaaliga. Laakiin raashinka Soomaalida waxaa laga yaabaa inuu mar dhow soo caan baxo, taasoo looga mahad celinayo cunto karisada Mareykanka daggan ee lagu magacaabo Xaawo Xasan iyo buuggeeda raashin karinta sharraxaya. Buuggaas wuxuu toos ku ifinayaa qaar ka mid ah cuntooyinka ugu muhiimsan ee ay leeyihiin dalalka Bariga Afrika, oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Waxaa kale sii kordhaya kanaallo Youtube ah ama Instagram ah oo lagu sii daayo cashirro ku saabsan sida loo kariyo cunto Soomaaliga. Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, karinta cuntada Soomaalida waxay inta badan keentaa xasuus farxadeed oo qoyska dhexdiisa ah. Balse waxay sidoo kale igu abuurtaa walwal marka aan ka fikiro sida aan loo aqoonin cuntada Soomaalida - haddase waxaa la joogaa waqtigii ugu fiicnaa ee raashinka Soomaalida uu heli lahaa aqoonsiga uu mudan yahay. Cuntada Soomaalida marka la sameynayo, wax walba waxa uu ka billowdaa xawaash, oo ah geedo la isku dardaray oo isugu jira miraha xawaajiga, kabsarta, filfil, qorfe, heyl, dhagoyare iyo huruud. https://www.bbc.com/somali/war-58696176 +health Cudurka kansarka oo noqday dilaaga dadka ku nool dalalka hodakna ah "Cudurka kansarka ayaa dad badan oo da' dhexaad ah ku dila dalalka hodanka ah, marka la barbar dhigo cudurada kale ee wadnaha ku dhaca, sidaana waxa lagu ogaaday daraasad la sameeyey. Dunida oo dhan cudurada wadnaha ku dhaca iyo faaligga ayaa ah kuwa ugu badan ee dadka da'daas ahi u dhintaan. Laakiin cilmi baadheyaashu waxay leeyihiin dalalka hodanka ah ayaa dadka da' dhexaadka ahi 2.5 goor uga dhow yihiin in kansar dilo marka la barbar dhigo cudurada wadnaha ku dhaca. Dalalka saboolka ah ayaa se cudurada wadnaha ku dhacaa u badan yihiin kuwa ay u dhintaan dadka da' dhexaadka ahi, oo saddex goor uu qofku uga dhaw yahay kansarka. Faa'iidada caafimaad ee ay leedahay rajada wanaagsan Maxaa ku jaban in dhiigga la bixiyo? Daraasaddan oo lagu baahiyey majallada Lancet, ayaa waxa ay tahay miidda barnaamij cilmi baadhiseed oo lagu hayey kumanaan qof oo ku nool 21 dal, waxaana ku jiray dadka Ingiriiska. Cilmi baadhistaa waxa hormuud u ahaa koox khubaro ah oo ka tirsan Jaamacadda McMaster ee dalka Canada oo darsey nolosha 160,000 qof oo ka qayb galay daraasaddaas oo socotay 2005 ilaa 2016. Waxaanay dadkaa da'doodu celcelis ahaan ahayd 50 jir. Dadkii daraasaddaa lagu hayey waxa dhintay 11,000 oo ka mid ah, waxaana caddaatay in dadka dalalka saboolka ah ku nooli ay afar goor dhismashada uga dhawaayeen kuwa ku nool dalalka hodanka ah. Qiyaastii 2,000 dadkii dhintay geeridooda waxa sababay may caddayn. Kuwa kale se cudurrada wadnaha ku dhaca ayaa sababay geeridooda 40% dadka ku noolaa dalalka saboolka ah, halka ay kuwa ku noolaa dalalka hodanka ahna ka ahayd wax ka yar rubuc. Caagadaha yar yar ee biyaha lagu shubto oo ‘halistooda caafimaad ay yar tahay’ In la heeso ma caafimaad ayaa ku jira? Cilmi baadheyaashu waxay sheegeen in sababtu noqon karto in dadka ku nool dalalka hodanka ahi ay dawooyin iyo adeegyo fiican ka helaan isbitaallada. Jeremy Pearson oo ka tirsan ururka British Heart Foundation oo ka shaqeeya wacyi gelinta caafimaadka wadnaha ayaa sheegay in ""isbedelkaa weyni"" muujinayo in dad badani ka badbaadayaan faaligga iyo cudurada kale ee wadnaha ku dhaca, laakiin ay jirto buu yidhi in ay sii kordhayso tirada dadka la tiicaya ""cawaaqibka xun"" ee uu kaga tagaan cudurrada ku dhaca wadnuhu." https://www.bbc.com/somali/49618886 +technology Maxay dadka isticmaala baraha bulshada uga daba dhaceen godkan? "Goob ku taal dalka Nigeria oo ah god laga guuray oo laga qodi jirey macdanta ayaa noqotay goob dalxiis loo tago ka dib markii sawirro lasoo dhigay baraha bulshada horraantii bishaan aad looga daba dhacay. Waxaad ugu tegaysaa kooxaha muusigga, cuntooyin fudud iyo dad badan oo sawirro iska qaadaya. Maalmo badan ayaa la hadal hayey goobtan lagu magacaabo Crushed Rock, ee ku taalle Mpape, tuulo faqiir ah oo duleedka ka xigta magaalada caasimadda ah ee Abuja. Dadka reer Nigeria guud ahaan looma yaqaan inay yihiin kuwa jecel dibedda ama dalxiiska, waayo jawigu aad ayuu u kulul yahay woqooyiga halka ay huur tahay koonfurta. Si kastaba ha noqotee, waxaa se jira oo soo badanaya dad badan oo samaynaya buuro fanasho, oo ku saamoobay dalxiisayaasha ku nool caasimadda. Cudurka safmarka ah ee coronavirus wuxuu sidoo kale qeyb ka qaatay dhiirrigelinta dhalinyaradaan heerka dhexe ee reer Nigeria in ay sahamiyaan buuraha ku yaal gobolklada dhexe ee dhagaxleyda ah. Xanibaada, oo ka hortagtay dadka inay u safraan meelo kale, waxay ku qaaday dadka in meelaha u dhaw ay u dalxiis tagaan. Nigeria waxay leedahay goobo badan oo quruxda dabiiciga ah leh, laakiin goobtan ""dadku ku samaysatay"" waxay leedahay qaab u gaar ah - iyadoo leh saddex hee oo waawayn oo mid kastaa bixinayo muuqaal cajiib ah oo ku saabsan biyaha hoose. Kuwa wax indha indheeya waxay dooran karaan waddo yar oo ay maraan kuna taalla meel sare oo korkeeda ah, halkaas oo cawska ku yaallaa ka dhigayo goob ku habboon daawashada oo quruxsan Dadka se damca inay biyaha galaan oo is mahlakeeyaan waxaa laga digay khatarta ka dhalan karta. Maaddaama goobtu tahay goob loogu talagalay in laga sanceeyo walxaha hadhaadiga ah." https://www.bbc.com/somali/war-53878930 +sports Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee hadal heynta dhaliyay markii uu ka ciyaaray Koobka Adduunka? "Tartanka Koobka Adduunka ee afartii sano hal mar la qabto ayaa shalay oo Axad ahayd, 20,November-2022, si rasmi ah uga billowday waddanka Qadar. Sidii la filayayba, waxa ciyaaraha Koobka Adduunka waxa ay xiiso weyn u yeesheen dadka caalamka oo dhan, gaar ahaan taageerayaasha kubbadda cagta. Soomaalida ayaa durba hadal-heyntooda waxaa si weyn u qabsady ciyaartii furitaanka ee dhex martay xulalka Qadar iyo Equador, maaddaama ciyaartoyda qeybta ka ahaa uu ku jiro wiil Soomaali ah. Sida caadiga ah waddan kasta oo martigelinaya ciyaaraha Koobka Adduunka waxa uu liiska kooxaha ciyaaraya kusoo galaa si toos ah oo aan shuruud ku xirneyn, halka dhammaan dalalka kale ay ku imaadaan isreeb-reeb. Xulka qaranka ee Qadar ku matalaya tartanka waxaa ka dhex muuqda ciyaaryahan kasoo jeeda Soomaaliya, horayna aabihiis uu uga tirsanaan jiray xulka qaranka ee Soomaaliya. Akram Xasan Cafiif ayaa xitaa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay ciyaartoyda laf dhabarka u ah xulka qaranka ee Qadar. Inkastoo kooxda Qadar kulankii furitaanka looga guuleystay waxa ay dad badan xusayeen Akram oo ay ku bogaadinayeen in uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan. Wiilkan oo hadda 24 jir ah waxa uu xulka Qadar u xirtaa lambarka 11-aad, waxa uuna ka ciyaaraa garabka bidix ee weerarka. Waxa uu magaciisa si weyn usoo shaac baxay ka dib markii uu wacdaro ka dhigay tartankii koobka qaramada Aasiya ee dhacay 2019-kii, markaas oo uu kaalin weyn ka qaaday guushii ay Qadar ugu dambeyn ku hanatay koobka. Xilligaas Akram waxa uu dhaliyay mid ka mid ah saddex gool oo ay Qadar ciyaartii finaalka ay uga badisay xulka Japan. Sidoo kale, waxa uu aad uga dhex muuqday tartankii waddamada Carabta ee dhacay 2021-kii. Xiddiggan waxa uu u ciyaaraa kooxda Al Sadd ee ka tirsan horyaalka Qadar. Markii uu uu billaabayay xirfaddiisa waxaa lagu tilmaamayay in uu noqon doono ciyaartoy mucjiso ah. Akram waxaa dhalay Xasan Cafiif oo ah ciyaartoy Soomaali ah oo horay uga tirsanaan jiray xulkii qaranka Soomaaliya ee bari samaadkii Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo ka mid ah ciyaartoydii hore ee Soomaaliya ayaa goor sii horreysay BBC-da sheegay in Akram aabihiis uu soo ahaan jiray nin si fiican loogu yaqaannay xirfadda kubadda cagta. ""Xasan Cafiif wuxuu ahaan jiray ciyaartoydii qaranka Soomaaliya iyo kooxda Horseed. Wuxuu ahaa weeraryahan aad looga yaqaannay Soomaaliya, waxaana laga soo xushay ciyaartoydii ka soo jeedday magaalada Kismaayo, anigana waxaan ka mid ahaa dadkii nasiibka u yeeshay iney kasoo barbar ciyaaraan,"" ayuu yiri. Xasan Cafiif ayaa ka ciyaari jiray horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya, isagoo laf-dhabarna u ahaa xulka qaranka iyo kooxdiisii horsed. Dhanka kale, Biriq ayaa sheegay in Akram uu sidii aabihiis u yahay ciyaartoy xirfad sare leh oo mustaqbalkiisu uu ifayo. ""Waa ciyaartooy da' yar, adduunyada oo dhanna aad ay maanta u daneyneysaa Akram Cafiif. Ciyaartii Fiinaalka koobka Aasiya wuxuu Akram muujiyay ciyaar heer sare ah. Marka runtii waxaan dhihi karnaa rajo fiican ayuu leeyahay heer aad u sarreeya ayuuna ka gaari karaa kubbadda cagta adduunka,"" ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Akram Cafiif ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ku dhashay 18-kii bishii Nofembar ee sannadkii 1996-kii. Waxa aan hadda sugnaba waa qaab ciyaareedka uu lasoo shir tegi doono koobka adduunka ee ay isugu imaanayaan inta badan ciyaartoyda ugu caansan dunida." https://www.bbc.com/somali/articles/cek28e2mvp0o +health Caafimaadka shacabka: Dal dareemay dhibaatada ay sokorta iyo cusbada ku hayso dadkiisa "Sonkorta iyo cusbada ama milixda waa in la canshuuraa oo khudaarta ay dadku u qortaa dadka laanta cafimaadka ee NHS-ta, waxaa sidaasi lagu cadeeyay dib u eegis madaxbanaan oo lagu sameeyay cuntada ay cunaa dadka Britain. Warbixinta, oo uu hogaaminayo ganacsade Henry Dimbleby, ayaa sheegtay in canshuuraha oo la kordhiyo ay sare u qaadi karto bixinta cuntada iskuulka oo bilaash ah ayna taageeri karto inay cunnooyin fiican ay helaan dadka saboolka ah. Waaxda istaraatiijiyadda Cuntada Qaranka ee England waxay sidoo kale dooneysaa GP-yada inay isku dayaan in dadka loo qoro cunadda miraha iyo khudradda si loo dhiirrigeliyo cunnooyiinka caafimaadka leh. Boris Johnson wuxuu sheegay inuusan la dhacsanayn canshuuro dheeraad ah oo laga qaado dadka shaqeeya. Ra'iisul wasaaruhu wuxuu intaas ku daray inuu darsi doono warbixinta, wuxuuna u ballanqaaday in dowladdu ay lix bilood gudahood uga jawaabi doonto soo-jeedinta sharciyada mustaqbalka. Dhanka kale, warshadaha cuntada ayaa ka digay canshuuro cusub oo laga qaado sonkorta jumlada iyo cusbada taasoo sida ay sheegeen horseedi karta sicirka cuntada oo sare u kaca. Ian Wright, oo ka tirsan Xiriirka Cuntada iyo Cabitaanada, wakiilna ka ah soo saarayaasha cunada, ayaa yiri: ""Cayilka iyo cunnada ayaa aad ugu badan saboolnimada, waxaana u baahannahay tallaabooyin wax looga qabanayo saboolnimada iyo in laga caawiyo dadka inay doortaan waxyaabaha ay u baahan yihiin inay sameeyaan."" Dib-u-eegista, oo ay dowladdu u xilsaartay sannadka 2019-ka, ayaa lagu sheegay in dib-u-habeyn taariikhi ah oo lagu sameeyo nidaamka cuntada loo baahan si loo hagaajiyo caafimaadka qaranka loona badbaadiyo deegaanka. Canshuuraha cusub ayaa lagu soo rigi doonaa bakhaarada iibiya sonkorta iyo cusbada jumlada ah taasi o haddii ay dhacdo sare u qaadi karta qiimaha dukaamada tafaariiqda lagu iibiyo. Laakiin Mr Dimbleby ayaa yidhi: ""Runtii ma rumaysanayno in waxyaalaha badankood ay sare u qaadi doonaan qiimaha - balse waxay yareyn doontaa isticmaalka dadka ay isticmaalaan sokorta iyo milixda. Dib-u-eegiddu lagu sameeyay habka cunada ayaa timid ka dib markii la ogaaday in xanuuno badan ay sabab u yihiin cunnooyiinka ay dadku cunaan. ""Cayilka iyo buurnida badan waxay qayb weyn ka ahayd heerka dhimashada UK ee masiibada badan,"" ayuu yiri Mr Dimbleby, oo isagu aasaasay silsiladda cuntada degdegga ah ee Leon. Wuxuu sheegay in soo jeedintiisa - haddii si buuxda loo hirgeliyo - ay badbaadin karto 38 kalori qofkiiba maalintii, taas oo ka caawinaysa qofka celcelis ahaan inuu lumiyo 2kg (4.4lb) culeys sanadkiiba." https://www.bbc.com/somali/war-57963025 +politics Doorashada Maraykanka 2020: Sidee Biden u bedeli doonaa siyaasadda dibadda Maraykanka? "Dunidu sida uu qabo Madaxweyne Trump waa mid ""Maraykanku kow ka yahay"" wadaniyadda, waxaanu tuuray heshiisyadii caalamiga ahaa isaga oo u arka in aan Maraykanka faa'iido ugu jirin. Waxay ahayd mid keligeed isla quman oo wax kala qaybinaysa. Waxay sidoo kale ahayd mid gebi dhaclayn shakhsi ku salaysan oo uu qaabaynayey dariinkiisu xidhiidhka lala leeyahay hogaamiyeyaasha waxaana waday Twitter-kiisa. Dacwo sharci oo noocee ah ayuu Trump qorshaynayaa? Trump kaddib maxaa u qorsheysan Joe Biden? Dunidu siday la tahay guusha Joe Biden waa in ay noqotaa mid habdhaqankii doorka Maraykanka iyo danihiisa ilaalinaysay ee ku salaysnayd hay'ada caalamiga ah ee la aasaasay Dagaalkii Labaad ee Aduunka ka dib kuna salaysan qiyamka dimuqraadiga ah ee reer Galbeedku wadaago. Waxaa mid isxulufaysi dunida ah ku dhisan oo Maraykanku hogaan u yahay qaramada xorta ah ka hor tagga halista dunida soo food saartay. Maxaa hadaba is bedeli doona marka Biden xilka qabto? Dhawr arimoo ayaa muuqda - sida uu u waajahayo xulufada, isbedelka cimilada iyo Bariga Dhexe LA DHAQANKA XULUFADA Madaxweyne Trump wuxuu amaanay keli teliyeyaasha oo wuxu caayey xulufada. Joe Biden waxa halka hore kaga jira liiska wax qabadkiisa in uu hagaajiyo xidhiidhadaa xumaaday, gaar ahaan NATO iyo in dib loogu noqdo iskaashiga dunida. Maamulka Biden waxa kale oo uu ku noqon doonaa Hay'ada Caafimaadka Aduunka ee WHO, waxaanu isku dayi doonaa inuu hogaanka u qabto dagaalka dunidu kula jirto fayraska korona. Ololaha Trump wuxuu arimahan u dhigay dib u hagajain loogu gurmanayo sumcadda Maraykanka ee dhaawacantay iyo in uu dimuqraadiyiinta ka hor keeno waxa uu u arkayey mawjada keli talisnimada ah ee soo kordhayay. Shan sababood oo qasbay in Biden guulaysto Madaxweyne degdeg ku tilmaamay in loo hambalyeeyo Biden Laakiin waxa dhici karta in ay muuqa uun tahay ee aanay nuxur ka ahayn, Danielle Pletka oo ka tirsan mac-hadka muxaafidka ah ee American Enterprise Institue ayaa isdaa qabta. Waxay ku dooday in maamulka Trump guulo badan ka soo hooyey dunida isaga oo suxul kulul adeegsanaya. ""Ma saaxiibo ayaynu weynayay aynu la damaashaadno? Sharad ma ku gelaysaa"" ayay tidhi. '' Qofna ma doonayo in uu fagaare la soo joogsado Donald Trump. Ma awood baynu weynay iyo saamayn aynu kasbanayn 70 sano ee u dambeeyey? Maya"". ISBEDELKA CIMILADA Marka nuxurka laga hadlo, Joe Biden wuxu sheegay inuu ka dhigi doono la dagaalanka isbedelka cimilada mudnaan iyo inuu ku noqon doono heshiiksa Paris Climate Agreement oo ka mid ah heshiisyada caalamiga ah ee Donald Trump ka baxay. Arintan labad anin waxay kala kala joogaan labada daraf. Trump wuxuu u arkaa wax ka qabashada kulka dunida inay halis ku tahay dhaqaalaha. Wuxuu dhiiri geliyey shidaalka la qodo waxaanu meesha ka saaray xeerarka ilaalinta deegaanka iyo cimilada. Mr Biden wuxuu dhiiri gleinayaa qorshe himilo leh oo 2 tiriliyan oo doolar ku baxayso oo lagu yaraynayo qiiqa warshadaha. Wuxuu sheegay in uu sidan u yeelayo si uu u dhiso dhaqaale tamar nadiifka ku taagan oo abuura malaayiin shaqo. IRAN Joe Biden wuxu sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro heshiisyada kale ee caalamiga ah ee Madaxweyne Trump ka baxay- heshiiskii Iran cunoqabataynta ka debciyey ee iyaduna ay ku yaraynaysay barnaamijkeeda nukliyeerka. Maamulka Trump wuxuu heshiiskaa ka baxay 2018 isaga oo sheegay in heshiiska xakamaynta hubku uu ahaa mid aad u kooban oo aan ka hortagayn halista Iran ka soo fool leh iyo sidoo kale inuu diciif yahay qodobada xakamaynaya hawlaha nukliyeerka oo wakhti go'an lahaa. Wuxuu cunoqabaytayntii dib ugu soo rogay oo culays dhaqaale saaray, dhawaanna waxa uu liiska madow ku daray dhamaan laamaha maaliyadeed ee Iran. Iran oo arintaa ka jawaabaysayna waxay joojisay in ay u hogaansantayo heshiiskaa. Trump wiilashiisa oo Jamhuuriga ku cambaareeyey in ay aabahood hagradeen Biden wuxuu sheegay in siyaasadan ""cadaadiska weyn"" fashilantay waxaanu ku adkaystay in ay keentay in xiisaddo sii korodho , in xulufadii diidaan in Iran imika ay u dhawdahay inay hub nulkiyeer ah yeelato marka la barbar dhigo intaan Trump xilka qaban Wuxuu sheegay in uu ku biiri doono heshiiskaa hadii Iran u hogaansanto laakiin aanu cunoqabataynta ka qaadi doonin ilaa inta ay sidaa yeelayso. Mr Biden waxa uu bilaabi doonaa wada xaajood walaacaa wax lagaga qabto. YEMEN Mr Biden waxa kale oo uu joojin doonaa Taageerada Maraykanku siiyo dagaalka xulafada Sucuudig ka wado Yemen. Tirada dhimashada rayidka ah ee badan ayaa mucaaradad xoog leh u abuurta ka qayb galka Maryakanka oo ka timid garabka bidix ee xisbiga iyo sidoo kale sharci sameeyeyaasha Congress-ka. Sucuudigu waa dalka Carbeed ee xulufada isugu dhaw ay yihiin Madaxweyne Trump, waxaanu tiir u yahay xulufada Iran lidka ku ah. Dadka siyaasadda lafa gura waxay u arkaan in Biden dib uga guran doon isku marankii boqortooyadaa Khaliijka. ""Waxaan u malaynayaa in Bariga Dhexe bad dhan oo isbedel ahi ka dhici doonto"" ayay tidhi Ms Pletka, ""siyaasad u janjeedha Iran oo aan aad Sucuudiga ula hayn xaqiiqdii"". COLAADDA CARABTA IYO ISRAEL Joe Biden wuxuu soo dhaweeyey heshiiska Madaxweyne Trump dhex dhigay Israel iyo Imaaraadka. Sida Dimuqraadi ruug cadaa ah, Mr Biden waa nin aad u taageera oo muddo dheer difaacayey Israel. Erayga dhul haysasho kuma jiro siyaasadda arimaha dibada ee xisbiga. Laakiin waxa laga yaabaan in aanu qaadan siyaasadihii maamulka Trump ee ku aadana Daanta Galbeed ee la haysto. Wax aka mid ah kuwaas in degsiimooyinka Israle lagu sheego in aanay xad gudub ku ahayn sharciga caalamaga ah iyo in iska caabinti -hadii aanay xamaasad u ahayn- Israel qorsheyaasheeda ay keligeed qaybo dhulkaas ah dhuleeda ku darsatay . Xisbiga Dimuqraadiga garabkiisa bidix ayaa haatan dejista siyaasad arimaha dibada isbahaysi oo ka duwan sanadihii hore. Waxauu doonayaa in wax dheeraad ah laga qabto xuquuqda Falastiiniyiinta. Sida Madaxweyne Trump oo kale, Mr Biden wuxuu doonayaa in dagaalada ka socda Afghanistan iyo Ciraaq la soo afjaro in kasta oo uu ciidamo kooban ku dayn doono labadaa dal si ay dagaalka argagixisada uga gacan gaystaan. Sidoo kale yaran maayo miisaaniyada Pentagon-ka mana joojin doono weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn in kasta oo cadaadis kaga imanaya garabka bidixda. Marka ay timaado loolanka juquraafiyad siyaasadeed, waxa isbedel badan ah lama filayo RUUSHKA Xidhiidhka xaga sare is bedeli maayo. Madaxweyne Trump badanaa wuxuu u muuqday inuu diyaar u yahay inuu saamaxo habdhaqanka Vladimir Putin ee ku xadgudubka dhaqanka caalamiga ah. Laakiin maamulka Trump wuxuu ku adkaa Ruushka oo wuxuu ku ciqaabay cunoqabatayno. Kuwaas oo laga yaabo in ay sii socdaan inta Biden madaxweynaha yahay iyada oo aan wax fariin ah oo si dhaafa laga bixinayn. Madaxweyne ku xigeenkan hore wuxuu si cad ugu sheegay CNN inuu rumaysan yahay in Ruushku yahay ""lid"". Waxaanu balan qaaday inuu jawaab adag ka bixin doono hadii uu farogeliyo doorashada iyo sidoo kale eeda la sheegay ee ah inuu lacago ku bixiyey in askarta Maraykanka ee Afghanistan jooga la laayo, arimaas oo Trump aanu ka hadal. Sidoo kale Mr Biden wuxuu cadeeyey in uu doonayo inuu Moscow kala shaqeeyo ilaalinta wax aka hadhay heshiisyadii xakamaynta hubka ee lagu xamaynayo saanad nukliyeerka. Madaxweyne Trump wuu ka baxay laba isaga oo Ruushka ku eedeeyey inuu khiyaameeyey oo wuxuu isku dayey inuu qaab saddexaad kula xaajoodo oo ku eeg Feeberweri. Biden wuxuu sheegay inay ka go'ntahay in heshiiskaasi sii jiro isaga oon shuruud ku xidhayn hadii la doorto. SHIINAHA Sannadkii 2017 Mr Trump wuxuu ka sheekeeyay sida isaga iyo Xi Jinping ay keeg shaglayd laga sameeyey u wada cuneen oo isku fahmeen. Laakiin hadana Mr Trump ayaa saaxiibtinimadiisii uu sheegayey eeka dhaxaysay madaxweynaha Shiinaha u bedelay eed ah inuu faafinayo fayraska korona. Talaabooyin adag iyo hadal dagaal qabow oo cusub ah. Xaqiiqdii waa dhif in xisbigu isku wada raacsan yahay in Shiinaha lagu adkaado marka ay taagan tahay arimaha ganacsiga. Arintu waa taatiko. Mr Biden wuu sii wadi doonaa siyaasadda Madaxweyne Trump eek a hortagga Shiinaha ee ""habdhaqanka tacaddiga ah ee ganacsiga"" laakiin isaga oo wata xulufada sidaas oo ka duwan qaabkii Trump doorbidayey ee heshiisyada ganacsi ee keli socodka ah. Suxulka adag ee maamulka trump wuxu ku guulaystay inuu taageero caalam ah oo lagu go'doominaya tiknoolajiyada isgaadhsiinta ee Shiinaha. Waxay arintaasi qab ka tahay sii kordhinta dedaalka Maraykanka u doonayo inuu Beijin dhinacyo badan cadaadis ka saaro kuwaas oo xidhiidhkooda halkii ugu hoosaysay gaadhsiiyey mudo todobaan sano ah. Ololahan waxa waday gorgorada Trump ee Shiinaha ku aadan- tartan istaraatiji ah ayay ku sheegeen laakiin istaraatijiyad ka loolan ah aay ku sheegeen dadka siyaasada lafa gura qaarkood. Joe Biden wuxuu si aad u dardar qabta u eegi doona meelaha ay iska kaashan karaan Shiinaha koraya. Wuxu sheegay inuu doonayo inuu soo celiyo hogaamintii Maraykanka. Laakiin dunidu haatan way is bedeshay afartii sano ee la soo dhaafay, iyada oo ay soo noqotay tartanka quwadaha waaweyne ee ra'yi ururintii u dambaysay muujisay sumcada Marayknka ee hoos u dhacday ee ay qabaan xulufada doonayey in Mr Biden hogaanka qabto." https://www.bbc.com/somali/war-54871436 +religion Qaar ka mid ah dadkii Nabiga (NNKH) aflagaaddeeyay iyo sida ay ku dhinteen Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka qaarkood, oo ay ugu badan yihiin kuwa Muslimiinta, ayaa ka fal celiyay hadallo xad gudub ku ah Nabi Muxammad NNKH oo ay jeedisay afhayeenkii hore ee xisbiga talada dalka Hindiya haya ee BJP, Nupur Sharma. Haweeneydan ayaa ku biirtay liiska shakhsiyaadka sida ula kaca ah u aflagaaddeeya Nabiga, carada laga muujiyay hadalkeedana waxa ay la mid tahay tii loogu jawaabay shakhsiyaadkii iyada ka horreeyay ee u bareeray inay meel uga dhacaan diinta Islaamka. Mararka qaar waxaa dunida ka dhacay qalalaase meel sare gaaray oo ka dhashay aflagaaddada ka dhanka ah nabiga. Sanadkii lasoo dhaafay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa mar uu khudbad ka jeedinayay shir madaxeedka Golaha Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in Muslimiintu aysan aqbali karin in lagu xad gudbo diintooda. Haddaba waxaan dib u milicsanaynaa qaar ka mid ah dadkii u gafay Nabiga, oo qaarkood la dilay qaar kalena u dhinteen siyaabo kale. Lars Vilks oo ahaa Farshaxamiiste u dhashay dalka Sweden ayaa sanadkii 2007-dii muran xoog leh ka dhaliyay caalamka kaddib markii uu u gafay Nabiga (NNKH), isagoo si qallafsan rasuulka ugu weeraray farshaxankiisa. Booliska dalkiisa ayaa la wareegay amnigiisa kaddib markii uu helay hanjabaado badan. Sawirrada uu ku tilmaamay nabiga ayuu uga careysiiyay muslimiinta caalamka, oo in nabiga la sawiro u arka xad gudub wayn oo loo gaystay diinta Islaamka. Muddo kaddib, horaantii bishii October ee sanadkii 2021-kii ayuu Lars Vilks ku geeriyooday shil gaari oo dhowr ruux oo kale ay ku dhinteen. Waxaa lasoo tebiyay in gaari ay booliska leeyihiin oo uu Vilks saarnaa uu ku dhacay gaari kale oo xamuul ah, waxa uuna shilkaas ka dhacay meel u dhow magaalada Markaryd ee koonfurta Sweden. Kooxda baaritaanka ku samaysay shilkaas, oo sidoo kale ay ku dhinteen labo askari oo ilaalo u ahaa ninkaas, ayaa sheegay in aysan arkin wax calaamad ah oo muujinaya in shilka uu ku yimid cillad. Farshaxamiistaha 75 jirka ahaa ayaa marar badan loogu gooddiyay dil. Samuel Paty, oo ahaa macallin dugsiga sare dhiga oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa horaantii bishii October ee sanadkii 2020-kii ardaydiisa u soo bandhigay sawirro uu ku tilmaamayay Nabi Muxammad, arrintaas oo si weyn looga carooday. Falkiisa ayaa sababay in loo jeediyo eedeymo badan, halka dadka qaarna ay ugu hanjabayeen dil. Isla bishii October gudaheeda ayuu nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Abdoullakh Abouyedovich Anzorov weerar la beegsaday Samuel Paty, waxa uuna ku fuliyay dil gowrac ah. Abdoullakh oo ahaa 18 kasoo jeeda Muslimiinta gobolka Chechnya ee dalka Ruushka ayay qudhiisa toogasho ku dileen booliska. Dilka macallinta u gafay nabiga ayaa dhaliyay xiisad aad u wayn, waxaana mudaharaadyo iska soo hor jeeda ay ka dhaceen meelo badan oo ka mid ah caalamka. Kurt Westergaard, oo ahaa farshaxamiiste u dhashay dalka Denmar ayaa mar qura hadal haynta caalamka qabsaday kaddib markii uu 2005-dii sameeyay sawir uu ugu gafay nabiga (NNKH). Muslimiin badan ayaa ka carooday arrinta uu sameeyay ninkan oo qaybta farshaxanka u qaabilsanaa wargayska Jyllands-Posten. Ilaa horaantii 1980-meeyadii ayuu ka howl galayay wargayskaas. Wixii ka dambeeyay marka uu aflagaaddeeyay nabiga waxa uu wajahayay culaysyo dhanka amniga ah kaddib markii loo diray hanjabaado badan oo dil ah. 19-kii bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-kii ayuu u geeriyooday xanuun muddo dheer hayay, xilligaas oo ay da'diisu ahayd 86 sano. Bishii May ee sanadkan, Dilka Deborah Emmanuel, oo ahayd haweeney u dhalatay Nigeria, ayaa WhatsApp Group oo ay saaxiibbadeed kula jirtay kusoo bandhigtay waxyaabo xad gudub ku ah Nabiga (NNKH). Balse saaxiibbadeed oo arrintaas ka carooday ayaa billaabay in ay weerar ku qaadaan. Waxay isku dayeen in ay ku weeraraan gudaha iskuulka ay dhiganaysay, hase yeeshee ciidanka amniga ayaa ka hor istaagay. Laakiin dadweyne badan ayaa xoog ku galay halkaas, iyagoo Deborah lasoo baxay kaddibna garaacid wadareed ku sameeyay, ilaa ay ka geeriyootay. Dilka gabadhaas ayaa dood xoog leh ka dhaliyay dalka Nigeria. Dadkii lagu eedeeyay kiiskan ayaa maxkamad la hor geeyay, waxaase halkaas kusoo xaadiray ilaa 34 qareen oo u istaagay in ay dadkaas difaacaan. https://www.bbc.com/somali/war-61735925 +sports Ranu Mondal: Haweeney derbi jiif ahayd oo muddo kooban ku taajirtay "Awoodda baraha bulshada waxay noqotay mid waxyaaba badan oo cajiib ah lagu soo bandhigay, marar bandanna waxay sababtay isbedelka nolosha dad badan oo marnaba aanan fileyn inay caan noqdaan ama ay helaan hanti. Ranu Mondal oo ah haweeney u dhalatay dalka Hindiya, waxay seexan jirtay gidaarada meel laga raaco tareennada. Waxay caan ku nootay muuqaal laga duubay iyadoo heeseysa. fiidiyowga ayaa lagu baahiyay baraha bulshada. Ranu oo fadhida goob laga raaco tareenka oo ku taalla Magaalada Kalkata ee galbeedka Hindiya, waxay ku heeseysay cod aad u macaan kaas oo nin dhallinyaro ah ku dhaliyay in uu muuqaalka ka duubo ka dibna bartiisa bulshada ku baahiyo. Muuqaalka waxaa maalmo gudahood ku daawaday inkabadan hal milyan oo qof, kuwaas oo aad ula dhacay codka hallaasiga ee Ranu iyo heybadda uu Ilaahay siiyay. Waxay qaadeysay heesta Ek Pyaar Ka Nagma Hai ee uu horay u qaaday fannaanad u dhalatay isla dalkaas Hindiya oo lagu magacaabo Lata Mangeshkar. Haweeneydan 59 jirka ah waxaa markiiba baadi-goob u galay shirkadaha duuba heesaha dalka Hindiya iyo barnaamijyada tartanka ee ka baxa telefishennada dalkaas, kuwaas oo doonayay inay soo bandhigaan heybadda ay leedahay ee dhanka codka, waxayna noqotay in lala xiriiray ninkii muuqaalka ka duubay oo markii dambe soo tilmaamay halka uu ku arkay iyo meelaha laga heli karo. Dadkii ugu horeeyay ee la kulamy Ranu waxaa ka mid ahaa jilaaga caanka ah ee Himesh Reshammiya oo usoo bandhigay inay duubto oo ay ku luuqeyso mid ka mid ah heesaha ku jira Filimkiisa Happy Hardy And Heer ee aan wali soo bixin. Haweeneyda codka macaan ayaa oggolaatay dalabka Himesh, waxayna ku luuqesay hees caan baxday oo lagu magacaabo Teri Meri Kahaani, taa oo markii ay duubesay uu muuqaal kooban ka duubay, ka dibna uu baraha bulshada soo dhigay. Jilaaga ayaa sidoo kale sheegay in markale uu doonayo in Ranu uu kala shaqeeyo qeyb kale oo ka mid ah filimkiisa. Mar wax laga weydiiyay guusha ay gaadhay Ranu waxay tiri: ""Ujeedadka ah in aan fannaan noqdo ma ahan lacag, sidaasna ma ahayn ujeedkeyga ee waxay ahayd in aan helo fursad aan kusoo bandhigo hibada aan leeyahay iyo in aan helo wax aan ku noolaado"", ayay tiri Ranu oo la hadashay wargeyska Hindustan Times ee ka soo baxa dalka Hindiya. Dad badan ayaa aad uga helay codka hallaasiga ah ee Ranu Mondal, waxayna baraha bulshada soo dhigeen sida ay ugu faraxsan yihiin in la ogaaday waxtarka ay leedahay. Lata oo ah atariisha qaaday heestii ay ku caan baxday Ranu oo la hadlay warbaahinta maxaliga ee dalkaas ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha ay gaadhay. ""Haddii qof uu ku faa'idayo magaceyga iyo shaqadii aan qabtay, waxaan dareemayaa in aan nasiib badanahay"", ayay tiri Lata oo la hadashay warbaahinta dalkaas. Warbaahinta Hindiya ayaa kusoo warrantay in Ranu ay heshay noolal fiican, ayna mushaar qaadatay, haatanna ay heysato boqollaal kun oo doolar. Lacagtan ayaa la sheegay in Ranu ay ka sameysay heesihii ay qaaday iyo barnaamijyadii ay u duubtay qaar ka mid ah telefishinnada dalkaas. Sidoo kale, fannaada Ranu ayaa dib ula midowday gabadh ay dhashay oo lagu magacaab Elizabeth Sathi, taa oo dad badan ay ku eedeyeen inay dayacday hooyadeed. Hasayeeshee Elizabeth ayaa sheegtay in iyaduna ay la daalaa dhacesay noolasha oo aysan dayacin hooyadeed. ""Waxaan ahay hooyo korsaneysay caruurteda oo waxaan koriyay wiil yar oo aan dhalay, nolosheyda ayaan la daalaadhacayay, waan isku dayay in aan ka war hayo hooyadey oo xitaa waxaan rabay in ay nala noolaato, balse hooyo ma aysan rabin in ay anagana nala noolaato, sidaas oo ay tahayna dadku anigee i eedeeynayaan"", ayay tiri Elizabeth. Ranu oo hadda la nool gabadheeda, waxaana loogu yeeraa Hooyadii codka hallaasiga ah lahayd." https://www.bbc.com/somali/war-49675313 +health Maxaa dumarka Hindiya ku kalifaa inay iska saaraan ilmo galeenka? "Bilooyinkii ugu dambeeyay dalka Hindiya waxaa kasoo baxayay warar ku saabsan in qaar kamid ah dumarka kasoo jeeda qoysaska saboolka ah ay iska saaraan ilmo galeenka. Haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada ayaa waxaa dalkaasi laga rumeysan yahay inay yihiin dad wasakh ah isla markaasna looma ogolo dumarka Hindiya inay ka qeybgalaan munaasabadaha diimaha iyo kuwo bulshada. Sannooyinkii lasoo dhaafay, dhaqamadan gurucan ee ka dhanka ah haweenka waxaa loolan ugu jiraa sidii lagu ciribtiri lahaa aqoonyahanno iyo da' yar dalkaas u dhashay. Waxaa jira dhacdooyin muujinayaa in dhibaato lagu hayo haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada, gaar ahaan haweenka kasoo jeeddo qoysaska saboolka ah ee aanan helin wax waxbarasho ah ama aanan helin cid u dooddo. Waxay tallaabadan ku reebtaa noloshooda saameyn dhanka caafimaadka ah. Gobolka galbeedka ku yaalla ee Maharashtra, kumanaan dumar ah ayaa waxay isku sameeyeen qaliin ay isaga saarayaan ilmo galeenka, waana arrin soo taagneyd saddexdii sanno ee lasoo dhaafay. Dumarkan iskaa saaray ilmo galeenka waxay ka shaqeeyaan beeraha qasabka. Waxay doonayeen inay beeraha qasabka ka helaan shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda. Sannad kasta, tobonaan kun oo qoysas sabool ah oo ku nool magaalooyinka kala ah Beed, Osmanabad, Sangli iyo Solapur ayaa waxay u qaxaan dhinaca deegaanada ku yaalla galbeedka si ay shaqo ugu raadsadaan beeraha qasabka, waxay beerahaas ka shaqeeyaan muddo lix bilood ah oo uu soo go'ayo qasabka. Waxaa dadkan saboolka ah ka faa'ideysta qanddaraasley calooshood u shaqeystayaal ah. Mana shaqaaleysiiyaan haweenka maadama guridda qasabka ay tahay howl aad u adag, haddii ay ka shaqeyaana waxay la kulmayaan dhibaato marka ay caadada ku dhacdo, haddii hal maalin aysan shaqada tegin waa la ganaaxaya. Nolosha ka jirta beeraha qasabka waa mid xun, waxay haweenku ku nool yihiin tenddooyin ama guryo cooshado ah, mana lahan Suuli, mararka qaar waxay shaqada ku gaarayaan xilli habeen ah, mana jirto wakhti cayiman oo shaqdoodu ku eg ama ay ku hurddaan, haweenka waxaa xilliyada qaar ku dhaca dhiigga iyagoo hayo howshan adag. Naadafad darro ka jirta beeraha ay ka shaqeynayaan, waxay dumarku mararka qaar ku dhaca xannuuno ama caabuq. Dadka u ololeeyo xuquuqda dumarka ee ku sugan halkaas ayaa kusoo warramaya in dhakhaatiirta qaar ee aanan la aamini karin ay ugu baaqeen haweenka inay qaliin isku sameeyaan waa haddii uu ku yimaado xannuunada haweenka ku dhaca ee la daaweyn karo. In badan oo kamid ah haweenka Hindiya waxaa la guursadaa iyagoo da' yar, marka ay gaaraan da'da 20-ka waxay qaarkood heystan 2 ilaa 3 carruur ah. Dhakhaatiirta qaar uma sheegaan haweenka dhibaatada ka dhalan kartaa haddii ay iska saaraan ilmo galeenka. Waxaa dalka Hindiya ka jiraa tuulooyin dhowr ah oo aysan dumarka ku nool aysan laheyn wax ilmo galeen maadama ay qalin isku sameeyeen si ay isaga saaraan. Sannadkii lasoo dhaafay xilli xildhibaan laga soo doorto deegaanka uu horkeeyay dhibaatadan baarlamaanka hoose ee gobolka. Wasiirka caafimaadka ee gobolka Maharashtra, Eknath Shinde waxaa uu qiray inay jiraan kiisas gaarayo 4,605 oo ku saabsan haweenka iska saaray ilmo galeenka ee ku nool degmada Beed saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, waxaa uu sheegay in dhammaantood aysan aheyn haweenka ay yihiin kuwo ka shaqeeya beeraha qasabka ee aggaas. Wasiirka waxaa uu sheegay in arrintaas ay u xilsaareen guddi gaar ah si ay baaritaanno ugu sameeyaan dhacdadaas. Weriye BBC ka tirsan oo booqatay tuulada Vanjarwadi oo hoostagta degmada Beed ayaa waxay sheegtay in laga bilaabo bishii Oktoobar ilaa Marso sannad kasta, boqolkiiba 80 dadka deegaanka ay shaqooyin u raadsadaan beeraha qasabka, waxaana dadkaas u badan haweenka iska soo saaray ilmo galeenka si ay noloshoodu umaareeyaan. Dumar badan oo ay la kulantay weriyaha waxay u sheegeen in qaliinka uu dhibaato caafimaad ku reebay, haweeney ayaa waxay tiri ""Waxaan xannuun joogta ah ka dareemaa dhabarka, luqunta iyo lugaha"" . halka haweeney kale ay sheegtay 'inay dareento wareer joogta ah' Waxay dhammaan haweenka ka dhawaajiyeen in nolosha ay ku qasbeyso inay kasii shaqeeyaan beerahaas. Dhanka kale, waxaa jirtaa dhacdo ku saabsan in haweenka ka shaqeeyo warshadda dharka ee gobolka Tamil Nadu la siiyo dawooyin marka ay dareemaan xannuunka ka dhasha dhiigga caadada si ay shaqada usii wataan. Sida laga soo xigtay Reuters, ku dhawaad 100 haween ah oo kasoo qoysaska saboolka ah ayaa la siiyay daawadaas maadama ay sheegeen in aysan dooneyn in shaqada ay hal maalin ah dhaafto si ay maareeyaan noloshooda. Waxaa loo sheegay in aanan loo sheegin magaca daawada iyo waxa ay tahay. In badan oo kamid ah haweenkaas waxay sheegeen in daawada ay ka dhaxleen xannuuno hor leh sida murugo, xannuun ku yimaado kaadi heyska. Guddiga qaran ee arrimaha haweenka dalkaas ayaa xaaladda haweenka gobolka Maharashtra ku tilmaamay mid gurucan isla markaasna mas'uuliyiinta waxay ugu baaqeen in laga hortaggo masiibadaas. Maamulka gobolka Tamil Nadu waxaa uu sheegay inuu kormeerayo xaaladda caafimaad ee shaqaalaha ka howlgala warshadda dharka. Dalalka Indonesia, Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo dalal kale ayaa waxay haweenka siiyaan maalin fasax ah marka uu ku dhaco dhiigga caadada. Waxaa sidoo kale tallabadaas sameeyay shirkado gaar ah." https://www.bbc.com/somali/war-48880698 +sports Michelle: 'Qaantii 50-ka doolar ahayd waan ka qoomameeyay' "Michelle way ku cusbeyd xaafadda ay dagganeyd. Goobta ciyaaraha ee iskuulka waxaa ka buuxay waalidiinta ilmaha ardayda ah, sidaas darteed madaxeeda hoos ayay geyneysay marka ay ilmaheeda ku dajineyso halkaas. Balse hal hooyo ayaa saaxiibtinnimo u muujisay, oo si joogto ah u daneyn jirtay, maalin walbana la sheekeysan jirtay, iyadoo Michelle ka codsan jirtay inay mar qaxwo isla soo cabaan. Waxyaabo badan ayaa ka dhacayay nolosha Michelle; sida in saacadihii shaqada laga jaray, sidaas awgeedna waxaa yareyd lacagta soo galeysay. Inay ka fikirto hadiyad ay wiilkeeda usoo iibiso maalinta dhalashadiisa way ku adkeyd maadaama aysan awoodin inay bixiso qarashaad dheeri ah. Saaxiibteeda cusub ayaa u sheegtay inay caawineyso, iyadoo dareensiineysa inay fahmi karto culeyska, lacagta ay deymisana ay bixin karto marka ay bisha dambe billaabato. Waa sida ay dadka saaxiibbada ah isu sameeyaan. Waxay ka billaabatay deyn £50 gini ah. Bishii xigtay waxaa khasab ku ahayd inay iska bixiso amaahdii ayna maareyso qarashaadka kale ee dheeraadka ku ahaa, sidaas darteed, amaah kale ayaa la siiyay. ""Markan waxay ii sheegtay inay rabto lacag dul saar ah, balse deyntaas waxaa dul saarneyd lacag labojibbaar ah,"" ayay ku tiri BBC-da. ""Bishii ku xigtay, lacag labanlaab ah ayaa ka baxday jeebkeyga. Waxaan dareemay ciriir. Waxaan u baahnaa lacag deyn ah oo aan qaato bil kasta sababtoo ah waxaan bixinayay dheeri,"" Waxa uu ii noqday dabin aan si sahlan ugu dhacay. ""Ceeb ayaan ku jiray runtii. Qofna ma uusan ogeyn, ma rabin inaad cidna u sheego. Waan ooyi jiray, habeen walba."" Lacagtii £50 ahayd waxay isu baddashay kumannaan gini oo lagu bixinayay caddaan, muddo dhowr bilood ah, mana jirin wax diiwaan ah oo lagu qorayay. Wax yar kaddib waxay ogaatay inay dhibaato weyn dhexda uga jirto. Waxaa loo soo diray farriimo hanjabaad ah, dadka ayaa soo tuuryeynayay gurigeeda, mararka qaarna waxaa albaabkeeda hore lagu shidayay dab. Xitaa daaqadaheeda muraayadda ah ayaa laga jajabiyay. Carruurteeda way ogaayeen inay wax khaldan yihiin, inkastoo Michelle ay isku dayeysay inay wax ka qariso. ""Waxay billaabatay xilliga xagaaga, marka xoogaa waad soo daahi kartaa,"" ayay tiri. ""Balse markii lasoo gaaray qabowga, muddo bilo ah ayaan ku xayirnaa guriga."" Dhinaca online-kana tacaddiga wuu ka socday, sidoo kalena waxaa la faafinayay aflagaaddo iyada ka dhan ah oo uu qof walba arki karay. Michelle waxay BBC-da u sheegtay in ay dareentay marxaladdii ugu darneyd, oo ay la xanuunsatay. Michelle way argagaxsaneyd, welwel ayaa ku dhacay, qoyskeedana wuxuu ahaa mid aad u nugul. Kaddib, sanadkii lasoo dhaafay xilligan oo kale, waxaa xoog lagu galay gurigeeda waana la bililiqeystay. ""Waxaa jiray waxyaabo lagu kaadiyay, sariiraha carruurta iyo roogagga waa lagu kaadiyay. Waxaan ku khasbanaaday inaan iska tuuro waxyaabo badan oo laga tagay... Alaabta qaar waligey dib uma heli karin mar kale."" Markaas ayay go'aansatay inay isaga baxdo gurigaas. Waxay kaxeysatay carruurta, waxyaabihii yaraa ee looga tagay, wayna ka tageen gurigoodii, iyagoo aan dib dambe ugu laabanin. Qoyska Michelle waxay nodeen hoy la'aan dabayaaqada sanadkii lasoo dhaafay. Waxaa la siiyay hoy ku meel gaar ah balse wax alaab ah ma aysan heysanin. Hase yeeshee waxay qaadatay go'aan nolosheeda wax ka baddalay. axay wacday lambarka sida qarsoodiga ah loola xiriiro ee loo sheegto dhibaatooyinka noocaas ah. Tan iyo markaas wixii ka dambeeyayna, xaaladdeeda way soo hagaageysay." https://www.bbc.com/somali/war-59635337 +entertainment Cali Dheere: 77 jirka xanuunkiisa ay la murugoonayaan malaayiinta qof Qaar kamid ah taageerayaasha jilaaga caanka ah ee shirkadda Bollywood-ka ee dalka Hindiya Amitabh Bachchan ayaa dalkaas ku qabanaya kullamo duco ah, kadib markii atooraha rugcaddaaga ah laga helay feyraska Corona. Amitabh Bachchan oo 77 jir ah ayaa la dhigay isbitaalka Nanavati ee ku yaala galbeedka magaalada Mumbai, waxaana uu ku baaqay in qof walba oo isaga la kulmay uu iska baaro xanuunka. Macbad lagu cibaadeysto oo ku yaalla bartamaha magaalada Mumbai ayaa waxaa isugu yimid wadaaddo Hinduu ah oo qushuucsan, si ay ugu duceyaan jilaaga oo ay Soomaalida u taqaano Cali Dheere. Wiilka uu dhalay 'Cali Dheere' oo lagu magacaabo Abishek Bachchan iyo iyo xaaskiisa Aishwariya Rai ayaa sidoo kale laga helay feyraska Corona. Wadaaddadan waxa ay afka ku hayaan duco ay Alle uga baryayayan in uu xanuunka ka dul qaado 'Cali Dheere', waxaana gidaarrada macbadka ay ku xardheen sawiradiisa iyo kuwa qoyskiisa. Waxaa goobaha loogu duceynayo jilaaga laga shiday wax u muuqda foox uu qiiq badan ka baxayo oo ay dhinacyada ka fadhiyaan wadaad diimedyo, waxaana sidoo kale goobahaas dhexyaalla sanamka ay caabudaan dadka Hinduuga. Malaayiin qof oo Hindiga ku sugan iyo taageerayaasha kale ee uu jilaagan ku leeyahay caalamka ayaa u rajeynaya inuu soo caafimaado. Wadaaddada waxay aaminsan yihiin in ducadooda la aqbali doono, oo Amitab Bachhan uu ka kici doono xanuunka. ''Sababta halkan aan isugu nimid waxay tahay in aannu u duceyno Amitab Bachan iyo willkiisa Abishek Bachan, maadaama laga helay feyraska Corona, waxaana Alle ka baryeeneynaa inay caafimaadaan, si ay dib noogu soo laabtaan'', ayuu yiri Satendra Tiwary oo kamid ah wadaaddada ducada u fadhiya. Wadaad diimeesyadaas oo keliya ma aha dadka ku duceysanaya in Amitab uu ka caafimaado feyraska Corona, balse sidoo kale waxaa jira qaar kamid ah taageerayaashiisa oo sheegay in iyaguna ay ku duceysanayaan in Amitab Bachchan ama Cali Dheere uu mar kale cagihiisa isku taago. ''Si lamid ah sida qoysaskeenna aannu ugu duceyneyno inay ka bogsadaan xanuunka ayaan isna ugu duceneynaa, jilaaga weyn waxaa uu wajahayaa xaalad adag, marka waxaanu ku duceysaneynaa in uu si nabad ah uga gudbo marxaladdaas oo uu ka bogsado feyraska'', ayuu yiri Kailash Mali. Amitab Bachan oo isagu dhawaan la dhigay isbitaalka ayaa haatan lagu soo warramayaa in xaaladiisa ay wanaagsan tahay. Jilaagan oo ka qeyb galay in ka badan 200 oo filim ayaa dad badan oo ku nool dalka Hindiya waxay ku hana-qaadeen daawashada aflaantiisa. Wuxuu xirfadda jiritaanka kusoo guda jiray in ka badan 50 sano oo xiriir ah, isagoo ilaa haddana aan wali ka howlgabin. Soomaali bandan ayaa Cali Dheere ama Amitab Bacahn ku xusuusta aflaan badan oo uu kamid yahay Filimkii caan baxay ee Sholay, kaas oo soo baxay sanadkii 1975-kii, ilaa imikana aan laga xiisa dhicin. Inuu cudurka ku dhacay waxay caddeyneysaa sida Feyraska Corona uu ugu galgalanayo dalka Hindiya oo ah waddanka saddexaad ee laga helay kiisaska ugu badan fayraska corona ee caalamka. https://www.bbc.com/somali/war-53443925 +politics Afghanistan: Reer galbeedka oo cabsi ka muujinaya weeraro argagixsio oo ka dhaca Kabul "Tiro ka mid ah dalalka reer galbeedka ayaa sheegaya in ay jirto khatar aad u sarreyso oo ah in weerarro argagixiso ay ka dhacaan garoonka diyaaradaha ee Kabul, waxayna muwaadiniintooda uga digeen in ay halkaas u safraan. Australia, Mareykanka iyo UK ayaa soo saaray digniin ku socota muwaadiniintooda, waxayna kuwa aan weli soo gaarin gegida dayuuradaha ee ku sugan gudaha Afghanistan, lagula talinayaa in ay si degdeg ah uga baxaan aaggaasi. In ka badan 82,000 ayaa diyaarad loogaga soo qaaday Kabul, oo gacanta u gashay ururka Taaliban, 10 maalmood ka hor. Wadamada waxay ku degdegayaan in ay dadka ka daadgureeyaan ka hor 31 bishan August, oo ah xilliga kama dambeysta ah ee ay ku egtahay daad-gureynta. Inkastoo ay weli Kumanaan qof ku sugan yihiin gudaha iyo dibadda garoonka diyaaradaha, iyagoona rajeynaya in ay mar uun ka duulaan dalka Afghanistan. Taalibaan ayaa ganafka ku dhufatay in la kordhiyo muddadaasi balse waxay sidoo kale ballanqaadeen in ay u oggolaan doonaan ajaanibta iyo dadka reer Afghanistan, inay dalka ka baxaan wixii ka dambeeya wakhtiga kama dambeysta ah, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken. Khamiistii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Australia, Marise Payne, ayaa tiri: ""Waxaa jirto halis joogto ah oo aad u sarreysa oo ah in weerar argagixiso uu ka dhaca garoonka diyaaradaha ee Kaabuul."" Hadalka wasiirka ayaa imaaneyo saacado ka dib markii Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ay u sheegtay in dadka ku sugan irridaha laga soo galo garoonka, sida albaabka Albey, ay ""si dhaqso ah uga baxaan"". Dhanka kale, Britain ayaa soo saartay talo taas la mid ah oo ay dadka ugu sheegayso inay ka baxaan aaggasi oo ay tagaan meel ammaan ah, inta ay helayaan talooyin kale oo dheeri ah oo la xiriira badqabkooda. Xafiiska arrimaha dibedda ayaa sheegay in xaaladda nabadgelyada Afghanistan ​​""ay weli tahay mid aan degganayn"" isagoo intaas ku daray inay jirto ""halis joogto ah oo weerar argagixiso ah"". Dhammaan wadammadaasi midkoodna ma bixin macluumaad dheeri ah oo ku saabsan halista amniga. Khudbad uu jeediyay Talaadadii, ayuu madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ku sheegay in duulimaadyada uu maamulo Mareykanka ay tahay in la soo afjaro sida ugu dhaqsiyaha badan, wuxuuna ku sababeeyay inay sii kordheyso khatarta kooxda Daacish ee Afghanistan. Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay duullimaadyada Mareykanka daadgureeyeen qiyaastii 19,000 oo qof, iyadoo la kordhiyay diyaaradaha lagu daadgureynayo dadka. Wuxuu sheegay in Mareykanka uu wali ku jiro waddadii uu ku ku soo gabagabeyn lahaa ka bixitaanka gegida diyaaradaha ee Kabul, dhamaadka bishaan. ""Kaliya Mareykanka ayaa abaabuli kara oo fulin kara howl baaxaddan leh oo sidaan u adag,"" ayuu u sheegay wariyeyaasha Washington. ""Illaa 1,500 oo muwaadiniin Mareykan ah ayaa weli joogi kara dalkaas, maamulkuna wuxuu waday dadaalo dhammaystiran oo lagu baadi goobayo,"" ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibedda. CIA -da iyo militariga Mareykanka ayaa waday hawlgallo qarsoodi ah oo ay ku soo saarayaan dadka Mareykanka iyagoo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo ciidamada dhulka, sida saraakiil Mareykan ah iyo saraakiil kale ay u sheegeen wargeyska Wall Street Journal. Hawlgallada halista ah ayaa ka dhacay gudaha iyo dibedda Kabul, ayuu qoray wargayska. Pentagon -ka ayaa sheegay in 10,000 oo qof ay weli sugayaan in diyaaradaha Mareykanka lagaga daadgureeyo garoonka diyaaradaha Kabul. Waxaa jiro cabsi ah in kumannaan kale oo reer Afghanistan ​​ah oo aad u doonaya inay ka baxaan dalka balse aan gaari karin goobta. Weriyayaasha BBC -da ayaa sheegaya in qaar badan oo ka mid ah kuwa ay Taliban dib uga celisay albaabka garoonka ay u muuqdeen in ay haystaan ​​waraaqaha safarka. Madaxweyne Joe Biden ayaa bartiisa Twitter -ka ku soo qoray in Mareykanka uu ""sameyn doono wax walba"" si ""loo sameeyo daadgureyn ammaan ah"". Boqortooyada UK waxay sheegtay in hawlgalkeeda daadguraynta uu ku socdo ""xawaare aad u sarreeya"", iyada oo illaa Arbacadii ay daadgureeyeen 1,200 oo qof. Xoghayaha arrimaha dibadda, Dominic Raab, wuxuu sheegay in dowladdiisa ay adeegsan doonto ""saacad kasta iyo maalin kasta oo ka hartay muddada.""" https://www.bbc.com/somali/war-58337794 +business Shirkad duulimaad oo hakisay qaar kamid ah duulimaadyadeeda cabsi darteed "Shirkadda duulimaadyada ee United Airlines ayaa ku dhawaaqday inay hakineyso duulimaadka 24 diyaaradood oo ah nooca Boeing 777 kadib markii mid kamid ah matoorada diyaaradahaas ay cillad ku timid waxyar un kadib markii ay duushay. Sababta arrintan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo sameyn lahaa baaritaan dheeraad ah oo la xiriira waxa sababay in uu ololo matoorka diyaaradda, loogana baaqsado in shil noocaas oo kale ah uu dhaco markale. Hey'adda duulimaadyada ee Mareykanka FAA ayaa amartay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo diuyaaradaha noocoodu yahay Boeing 777 ee ay ku rakiban yihiin matoorada ay sameyso shirkadda Pratt iyo Whitney. Baaritaan horudhac ah oo ay sameysay hey'adda qaabilsan bad-qabka gaadiidka Mareykanka ayaa sheegtay in laba kamid ah marwaaxada matoorka diyaaradda ay wax gaareen. ""Annagoo ka duuleyna xogta horudhaca ah, waxaan ogaanay in baaritaanada lasii xoojiyo, gaar ahaan marwaaxadaha matoorka oo ah nooc u gaar ah matoorka diyaaradahan."" Ayay yirahden mas'uuliyiinta hey'adda duulimaadyada ee dalka Mareykanka. Waxay la kulmayaan wakiila ka kala socda shirkadda sameysay matoorka diyaaradda iyo Boeing. Diyaaradda oo ay saarnaayeen 231 qof iyo 10 shaqaale ah ayaa dib ugu laabatay garoonka diyaaradaha ee magaalada Denver, mana jirin cid wax ku noqotay. Muuqaal laga duubay diyaaradda ayaa muujinaya matoorka midig ee diyaaradda oo ololaya. Dowladda Japan oo ka jawaabeysa falkaas ayaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha Boeing 777 ee isticmaala matoorka diyaaradaha ee ay sameyso shirkadda Pratt iyo Whitney sheegtay in aysan soo geli karin hawada dalkaas ilaa iyo amar dambe. Haseyeeshee shirkadda Boeing ayaa sheegtay inay taageersan tahay go'aanka dowladda Japan, loona baahan yahay in la hakiyo hawlgellinta dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 777 ee ay ku rakiban yihiin matoorada Pratt iyo Whitney inta ay socdaan baaritaanada. Shirkadda waxaa kale oo ay sheegtay in diyaaradaha Boeing 777 ee ku duula matooradaas ay guud ahaan caalamka gaarayaan 69. Matoorka diyaaradda oo ololaya ayaa kusoo dul dhacay guryo ku yaalla magaaladaasi, waxaana saarnaa rakaab dhan 231 iyo 10 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda. Boolista ku sugan magaalada Broomfield ayaa baahiyey sawir muujinaya qaybta hore ee matoorka diyaaradda oo guryo ku soo dul dhacay. Diyaaradda ayaa markii dambe si nabad ah ku soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha ee Denver, wax qasaara ah oo shilkaasi ka dhashayna lama soo sheegin. Rakaabka diyaaraddaasi saarnaana waxay sheegeen qarax aad u weyn iney maqleen waxyar un kaddib marki ay diyaaraddu garoonka ka duushay. Mid ka mid ah dadki rakaabka ahaa ee diyaaraddaasi saarnaa oo wakaaladda wararka ee AP u warramay waxaa uu sheegay inuu duuliyaha diyaaradda uu rakaabka u sheegay inuu qarax aad u weyn uu jiro." https://www.bbc.com/somali/war-56151116 +politics Diblomaasi ku hal qabsatay Abuubakar Sidiiq iyo sida looga falceliyey "Dadka baraha bulshada adeegsada ee dalalka Carbeed ayaa aad uga fal celiyey qoraal ay boggeeda Twitter-ka ku soo qortay af-hayeenka xukuumadda Ingiriiska ee u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, Rosie Dyas, qoraalkaas oo ay ku soo hal qabsatay saxaabigii Abuubakar Al-Sidiiq. Waxaanay Dyas ku tidhi qoraakeeda ""Abuubakar Al-Sidiiq, Allah ha ka raali ahaadee, wuxu yidhi (geed midho dhala ha goynina, dhismena ha duminina, lax iyo neef geela toona ha boqno goynina hadaan gaajo idin hayn, geed timir ahna ha gubina biyo badanna ha ku furina)."" Waxaanay intaa ku dartay ""Waxa maanta bilaabmaya tirinta maalmaha inaga xiga furitaanka shirka wax ka qabashada isbedelka cimilada oo ku qabsoomi doona Ingiriiska sannadka dambe. Waxaana waajib inaga saaran yahay in aynu daryeello dhulka. Wada jir aynu wax uga qabano isbedelka cimilada."" Booqashadeydii Harar: Xaruntii xadaaradda Islaamka ee Bariga Afrika Muranka ka dhashay hadalka Islaamka iyo Muslimiinta ee Sheekh Al Azhar Maalmo ka horna waxay Dyas Muslimiinta ugu hambalyeysay munaasibadda Mawliidka Nebiga Shariifka ah oo waxay tidhi ""waxaan munaasibadda Mawliidka Nebiga ugu hambalyeynayaa Musliinta Ingiriiska, kuwa gobolka iyo guud ahaan ba dunida oo aan leeyahay sannad wanaagsan oo khayr leh munaasibadda Mawliidka Nabiga ee Shariifka ah awgeed."" Qoraalkaa ay Twitter-ka ku baahisay Rosie ayey aad u soo dhaweeyeen bulshada Carabta guud ahaan iyo Muslimiintuba waxaanay qaarkood ku tilmaameen Dyas in ay tahay ""diblomaasiyadii ugu fiicnayd ee Ingiriiska ee Bariga Dhexe ka shaqo gasha."" Waxiid Al-Yaafici ayaa waxa uu qoray ""Ingiriisku seeska uma ay dhigin oo keliya xeerka wad jirka ee horseeday kobaca dhaqaalaha caalamka, ee xataa waxay afkoodii ka dhiceen mid dunida oo dhami ku hadasho. Iyaga oo adeegsanaya diblomaasiyadda iyo awoodda debecsan ayey isku taxalujiyeen in ay af-Carabiga ku hadlaan kolkaasay si fiican u barteen. Rosie Dyas waxa la odhan karaa waa diblomaasiyadii ugu fiicnayd ee Ingiriis ah ee Bariga Dhexe ka shaqo gasha."" Geesta kalena waxay dadka Twitter-ka arintaa kaga falceliyey ku dhaliileen masuuliyiinta Carbeed ee ku soo hal qabsada hadallada shakhsiyaadka ay ka midka yihiin Napoleon iyo Churchill ""iyaga oo ka xishoonaya in ay xusaan xadiis Nebi ama hadal asxaabta midkood yidhi"" waa siday hadalka u dhigeene. 16 gabdhood oo wada shaqeeya oo isku mar wada uuraystay Dumarka ilmaha lagu qalo oo laga deyriyey Saalim Farxaati ayaa waxa uu yidhi ""af-hayeenka xukuumadda Ingiriiska, Rosie Dyas, waxay ku soo hal qabsatay hadalkaa macaan ee Abuubakar Al-Sidiiq Allah ha ka raali ahaadee, masuuliyiinta Carabtuna waxay ku faanaan oo aanay afkaba ka daynin ku hal qabsiga Napoleon Bonaparte, Bernard Shaw iyo Churchill oo waxay ka xishoodaan in ay xusaan xadiis Nebi ama weedh uu yidhi asxaabtii sharafta lahayd midkood, waana sababta Islaamka jidhkiisu wadamadeena u joogo ruuxdiisuna ku nooshahay dhulkooda"". Sidoo kale waxay dadka qaarkood sheegeen in ""Carabtu ka dhoohan yihiin xikmadda dadkooda."" Haani Sabaali ayaa waxa uu qoray ""in yar uun baa garanaysay in hadalkan uu yidhi Khaliifkii Al-Sidiiq, haatan se mar hadii ay gabadhaa Reer Galbeed sheegtay kulligood way wada xafidi doonaan. Rosie Dyas af-hayeenka xukuumadda Ingiriiska ee Bariga Dhexe ayaa ku soo halqabsatay dardaarankii Khaliif Abuubakar Al-Sidiiq Allah ha ka raali ahaadee, waxaanay dadka ku dhiiri gelisay in la daryeelo deegaanka. Maba oga in aanay dunida Islaamka in yar oo Alle garansiiyey mooyee aanay cidiba dhaadanayn midhkaa."" Xukuumadda Ingiriiska ayaa Rosie Dyas xilkaa u magacawday bishii Jeeniweri 2020 oo waxay xilka kala wareegtay af-hayeenkii hore, waxaana lagu bartay in ay boggeeda rasmiga ah ee ay ku leedahay Twitter-ka u adeegsato Af-carabi, waxaanay marar hore oo badan Muslimiinta ugu hambalyeysay ciidaha. Waxa lagu wadaa in shirmadaxeedka 26-aad ee Qaramada Midoobay ee wax ka qabashada isbedelka cimilada aduunka sannadka soo socda lagu qabto magaalada Glassgow ee gobolka Scotland, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Ingiriiska. Waxaana ka qayb geli doona wufuud tiradoodu kor u dhaafayso 30 kun oo ka kala socda dunida oo ay ka mid yihiin khubaro ku takhasusay culuumta bii'adda, gacansato iyo muwaadininn caadi ah si heshiis lagu diirsado looga gaadho wax ka qabashada isbedelka cimilada." https://www.bbc.com/somali/war-54864507 +health Coronavirus: Tabliiq loo haysto soo laba kaclaynta fayraska ee Hindiya "Hindiya waxaa ka taagan xanaaq ka dhashay isu imaatin ay sameeyeen jameeco Tabliiq ah oo loo maleynayo in ay sabab u noqdeen soo laba kacleynta kiisas cusub oo fayraska Covid-19 ah. Arrintaas waxay dhalisay Islaam-naceyb. Gobollada Hindiya oo dhan waxaa muddo isbuuc ah laga soo weriyay illaa 300 oo kiis oo cusub. Hal ku dhigyo Islaam-naceyb ah ayaa aad la isugula wadaagayaan barta twitter-ka ee Hindiya. ""Halkii aan gali lahayd karantiilka fayraska corona, waxay ahayd in aan nacyo karantiilka oo dhan"", ayuu yiri Taariikhyahan Rana Safvi. Kooxda Tabliiqa ah ee Jamaat ayaa kullan wayn ku qabteen caasimadda Hindiya ee Delhi, kaas oo ah isu imaatin 100 sano soo socday. Goobta ay isugu tagaan waa markaz ku yaalla caasimadda Hindiya oo lagu magacaabo aagga Nizamuddin. Haddaba, yey yihiin kooxdan maxayse isu soo bax ballaaran ugu qabteen Delhi? Weriyaha BBC-da ee Laanta Hindiga Zubair Ahmed ayaa warbixintan ka qoray. Ururkan ayaa sannadkii 1926 lagu aasaasay gobolka waqooyiga Hindiya ku yaalla ee Mewat, waxaana aasaasay wadaadka caanka ah ee Muslimka ahaa ee Maulana Moxamed Ilyas Kandhlawi. Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu diinta Islaamka ku faafiyo dunida - Muslimiin badan ayaana xilligaas dareemayay in siyaasaddooda iyo diintooda uu saameyn ku yeeshay taliskii British Raj. Ururka ayaa saameyn weyn ku lahaa Hindiya oo aan xilligaas kala qeybsaneyn. Tani isma beddelin kaddib markii dalkaasi la kala qeybiyay, xornimadii ka dib, sannadkii 1947. Waxay taageero xooggan ku haystaan gudaha Pakistan iyo Bangladesh. Aasaasaha Jamaat, Moxamed Ilyas, ayaa lagu xusuustaa inuu yiri: ""Muslimiintu waa inay noqdaan Muslimiin wanaagsan,"" - taasina waa hadafka ugu weyn ee ururka - inay Muslimiinta ku dhex faafiyaan ku dhaqanka diinta Islaamka. Xubnaha ururka ayaa sheegta inuu yahay mid ka madax bannaan siyaasad, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay inuu dhiso ummad Muslimiin ah oo ku dhaqanta Qur`aanka Kariimka ah. Jamaat ayaa wufuud u kala dirta dalal kala duwan muddo 40 maalmood ah sannadkiiba, mararka qaarna muddo intaas ka yar. Kuwa dadka wax u sheega ayaa aaminsan inay qof-qof dadka ula kulmaan, sidaas darteed waxay garaacaan guryaha dadka Muslimiinta ah si ay ugu gudbiyaan farriinta Islaamka. Shirka Delhi, oo ah isu soo bax sanadeed - waxaa xafladda sannad-guuradiisa la dhigayaa 3-dii March, inkastoo ay jireen aragtiyo kala duwan oo ku aaddan xilliga ay dhammaan doonto. Waxaa muuqatay in markii ay soo gabagabowday ay dad badan - oo ay ku jireen 250 ajaanib ah - ay doorteen inay sii joogaan. Waxaa loo maleynayaa in qaarkood ay qabeen xanuunka Covid-19, kaas oo hadda ku faafay gudaha dalkaas. Mid ka mid ah xubnaha ururka oo lagu magacaabo, Waseem Axmed, ayaa u sheegay BBC Hindi in boqollaal wufuud ah ay baxeen kahor inta aysan dhaqan gelin xayiraadda 24-kii March, balse inka badan 1,000 taageerayaal ah, oo ay ku jiraan ajaanib badan, ayaa Hindiya ku xannibmeen, maaddaama la xiray dhammaan isu socodka. Wixii intaas ka dambeeyay, booliiska ayaa ka saaray dhismooyiinkii ay ajaanibtu degganaayeen kaddibna ku karantiilay meel kale oo ka tirsan Delhi. Waxaa haatan gobol walba oo dalkaas ka tirsan ka socda dadaallo lagu baadi goobayo laguna baarayo dadka ka qeyb galay isu imaatinkaas, iyadoo ay sii kordheen kiisaska Covid-19 ee lala xiriirinayo in kullankaas oo ka sii faafay. Subixii Khamiista, warbaahinta Hindiya ayaa tirada kiisaskaas ku sheegtay inay gaarayaan 389. Tabliiq Jamaat hadda waa dhaqdhaqaaq diimeed oo caalmi ah, wuxuuna taageerayaal ku leeyahay in ka badan 80 dal, oo ay ku jiraan Indonesia, Malaysia iyo Mareykanka. Jamaat ayaa hadda xarumo waaweyn ku leh dal walba oo uu ka howlgalo, balse saldhiggiisa weyn wuxuu ku yaallaa Delhi. Waa dabaq ku yaalla Nizamuddin, oo ah meel ay ku badan yihiin Muslimiinta kuna taalla Delhi. Saldhiggan wuxuu ka kooban yahay masaajid iyo qolal qaadaya ilaa 5,000 oo qof. Ururka Jamaat ayaa sidoo kale isu imaatinno ballaaran ku qabta dalal kale. Dalka Bangladesh, waxay ku qabtaan isu soo bax loogu magac daray Biswa Ijtema oo la rumeysan yahay inuu yahay isu soo baxa labaad ee ugu weyn ee Muslimiinta marka laga soo tago Xajka. Ururka waxaa sidoo kale taageerayaal u ah shakhsiyaad caan ah oo ka soo jeeda Koofurta Aasiya. Taageerayaashooda waxaa ka mid ah xubno ka tirsa kooxda kubbadda gacanta ee Pakistan, sida xiddigaha Shahid Afridi iyo Inzamam ul-Haq. Cayaaryahanka kubbadda gacanta ee Koofur Afrika Hashim Amla ayaa sidoo kale taabacsan kooxda. Madaxweynayaashii hore ee Pakistan, Farooq Legari iyo Mohammed Rafiq Tarar ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay taageerayaal u yihiin kooxda, halka madaxweynihii hore ee Hindiya Dr Zakir Hussain lala xiriirin jiray ururka." https://www.bbc.com/somali/war-52153865 +technology Wax ka ogow Markabka diyaaradaha xambaara ee Maraykanka "Maraakiibta afka hore u dheer ee ku shaqeeya awoodda nukliyeerka, kuwaas oo xambaara diyaaradaha waxay astaan u yihiin awoodda militariga Mareykanka. Waxay milatariga Mareykanka u suurto geliyaan joogteynta duqeymaha ba'an ee cirka ee ka dhanka ah ciidamada cadowgooda ah. Waxay u babac dhigaan weerarrada looga soo qaado dhulka amaba badda muddo bilooyin ah, gaar ahaanna iyagoo awood u leh boqollaal bartilmaameedyo inay beegsadaan maalin walba. Si ka duwan qaababka kale ee dagaalka, uma baahna inay tagaan saldhigyada ku yaallla xeebaha si ay u gutaan waajibaadkooda. Awoodda laga baqo ee maraakiibta qaada diyaaradaha ee Mareykanka ayaa qalab muhiim ah u ah dagaal yahannada iyagoo aan u baahan ku tiirsanaanta hubka nukliyeerka. Si kastaba, falanqeeyeyaasha militariga wax ay ka gaabsadaan in maraakiibta diyaaradaha xambaara ay sii nuglaanayaan inta gantaallada riddada dheer ee maraakiibta ka dhanka ah ay ka jiraan dunida. Tusaale ahaan, mid ka mid ah weriyeyaasha aadka loo xushmeeyo ee tebiya wararka ku saabsan arrimaha militariga wuxuu falanqeyn dakhliga ku saabsan oo 12-kii March la sameeyay ku ogaaday in gantaallada Beijing ay u muuqdaan kuwo heli kara oo curyaamin kara markab dheer oo kumannaan qaada. Shaki kuma jiro in maraakiibta diyaaradaha xambaara ay yihiin kuwo aad u waaweyn. Marka laga tago in ay kun feet fidsanyihiin, dhirir ahaan waxa ay la egyihiin dhisme dheer, oo ka kooban 25 dabaq, iyada oo dabaq kasta uu dhan yahay in ka badan 16,000 oo mitir oo isku wareeg ah. Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaasha ciidammada badda ayaa rumeysan in maraakiibta diyaaradaha xambaara ay hadda ka wanaagsan yihiin amni ahaan marka la barbardhigo sidii ay kuwii hore ahaayeen intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, waxayna si joogto ah ugu sii yaraanayaan u nuglaanshaha weerarka. Marka aad tixgeliso dhammaan qaabka loo sameeyay, Mareykanka waxaa uu leeyahay in ka badan tobban markab oo ah nooca waaweyn ee diyaaradaha xambaara. Way fududdahay inay noqon karaan qalabka ugu wanaagsan ee lagu raadsado dagaal weyn. Waa kuwan sababaha muujinaya inay leeyihiin awood xad dhaaf ah. Maraakiibtan ayaa ah kuwa socda oo howlgal ku jira mar walba Maraakiibta xambaara diyaaradaha ayaa ah kuwa xawaare aad u dheereeya ku socda, waxayna ka orod dheer yihiin maraakiibta quusta. Waxay saacadiiba ku socdaan xawaare gaaraya 35 mayl, waxaana lagu tilmaamay in 700 oo mayl ay ku gaari karaan muddo sodon daqiiqo ah halka 90 daqiiqana ay gaari karaan masaafo dhan 6000 oo mayl. Marka in cadowga uu bartilmaamedsado ama ku raad joogo markabka xambaara diyaaadaha ma aha arrin sahlan. Baaxada Maraakibtan ayaa ah kuwo aan xad lahayn Howlagallada maraakiibtan ayaa ah kuwa aan joogsan karin. Tusaale ahaan, xilli dagaal uu jiro xitaa haddii sahayda shidaal ee maraakiibta xambaara diyaaradaha ay go'do ama la qabto shidaalkii loo sii waday taasi saameyn kuma yelanayso waayo waxay ku shaqeyaan awooda tamarta ee nukliyeerka, taas oo u sahlaysa markabka in uu socdo sidoo kalena weerarro baaxad leh geysto. Diyaaradaha markabkan saaran waxaa ay ka kooban yihiin F/A-18 iyo F-35 oo ay ku rakiban yihiin dareemayaal casri ah iyo nidaam sax ah oo hagaya hubka. Waxaa kale oo saaran diyaarado soo jiidanaya radar-ka maraakiibta iyo diyaaradaha ka agdhaw markabkan kuwaas oo cadawga uusan fahamsanayn balse ah in dhaqdhaqaaqooda lala socdo, diyaarna loo yahay in laga jawaabo halis walba oo markabkan diyaaradaha xambaara kusoo wajahan. Markabkan kaligiis ma safro oo waa la ilaaliyaa Haddii ay u safrayaan Galbeedka Baasifigga ama Gacanka Faaris ama Badda Waqooyi, maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka ma socdaan wehel la'aan ama ilaalo la'an Mar walba oo uu markabkan dhaqaaqo waxaa weheliya Markab loo yaqaano destroyer(cagta mariye) oo shaqadiisu tahay in uu jejbiyo ama baab'iyo doon walba ama markab walbo oo usoo dhawaada diyaarad xambaaraha. Destroyer ama cagta mariye waxaa ku xiran hub difaaca hawada loogu talagalay iyo gantaalada ugu casrisan dunida kuwaas oo xitaa lagu oganayo maraakiibta quusta ee halis ku noqon karya markabka weyn. Waxaa kale oo weheliya Markab nooca lagu magacaabo ""frigate"", kaas oo isna ay ku xiran yihiin hub culus sida gantaalada riddada dheer iyo qoryaha sida darandooriga u dhaca. Markabka diyaaradaha xambaarsan waxaa kale oo weheliya gujis, oo shaqadiisu tahay in uu badda hosteeda ka ilaaliyo caqabad walba oo kusoo wajahan. Markabkan waxa uu qaadaa kumannaan qof Markabka diyaaradaha qaada oo 25 dabaq dherirkiisu dhan yahay ayaa waxaa uu qaada 6,000 qof oo ka kooban ciidamada badda iyo kuwa cirka, kuwaas oo si toos ah u wada shaqeynaya. Hub caynkee ah ayaa Markabkan saaran? Waxaa saaran ilaa 130 diyaarad oo ah diyaaradaha xawaara ku socda ee dagaalka ah, kuwaas oo kala ah F-A18 iyo F35. Waxaa kale oo saaran ku dhawaad 30 diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee helikobtar loo yaqano. Markabkan waxaa uu sidoo kale wadaa hubka nukliyeerka, kaas oo dunida meeshuu doono kaga weerari karo marka uu amarkaas bixiyo Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka, oo ah madaxweynaha.. Sidoo kale waxaa saaran hubka gantaallada ridada dheer iyo qoryo waaweyn. Meeqa maalmood ayuu badda ku jiri kara? Waxaa uu badda ku jiri karaa inta maalmood ee howlgal ahaan loo igmado inuu shaqadiisa soo guto, balse mararka qaar waxa uu markabkan diyaaradaha xambaara badda ku jiraa in kabadan seddex bilood isagoo gaaf wareegaya dhacalada dunida oo dhan. Maraakiibta wax xambaara ayay dhif tahay inay quusaan. Sababo la xiriira dhererkooda, maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka waxay leeyihiin boqollaal qeybood oo biyaha ka hortaga. Waxay sidoo kale leeyihiin kumannaan tan oo qalab difaacid ah, iyo fiilooyinka korontada. Marka hal hub oo ka dusi kara difaaca kama dhigna inay dhaawici karo markabka. Markabku ma quusayo, shaqaaluhuna waxay awoodi doonaan inay ka shaqeeyaan cillad walba oo ku timaadda si ay u sii wataan gudashada waajibaadkooda. Dhererka markabka oo khubarradu qaar ay ka baqayaan inuu u nugleyn karo inuu wax weeraro ayaa dhab ahaantii ka dhigeysa mid ka adag markab walba oo kale oo noocyada dagaalka ah. Sidee looga hortagi karaa saameynta deegaan ee uu yeelan karo markabka sii quusaya? Sawirro: Dadaallada markabka looga weecinayo Marinka Suez" https://www.bbc.com/somali/war-58849264 +politics Doorashada Kenya 2022: Raila Odinga iyo William Ruto oo si aad ah isugu dhaw codadka la tiriyay "Waxaa Kenya weli ka socoto tirinta codadka doorashada madaxweynaha, ku dhawaad kala bar codadkii la dhiibtay ee doorashada Madaxweynaha ayaa la tiriyay, labada musharrax ee ugu cad cad doorashada ayaa si aad isug dhaw. Madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayaa wax yar ka horreeyaa Ra'iisul Wasaarihii hore Raila Odinga-waxay kala wataan natiijada horudhaca ah -51% iyo 48% Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa qiray in si gaabis ah ay u socoto howlaha tirinta codadka doorashada. Waxaa dhowr jeer la hakiyay xaqiijinta codadka doorashada kadib markii ay cabasho ka timid taageerayaasha musharraxiinta ugu tunka weyn. Taageerayaasha Mr Odinga ayaa dhowr jeer carqaladeeyay hanaanka xaqiijinta natiijada, waxay qaar kamid ah saraakiisha guddiga doorashada ku eedeeyeen inay faragelin ku sameeyeen codbixinta. Inkasta xaley ay jirtay xiisad markii madaxa ololaha doorashada Odinga ay u suurtogashay in uu khudbad ka jeediyo goobtii loogu talagalay inay hadal ka jeediyaan saraakiisha guddiga doorashada, wuxuu dhaleeceeyay qaabka ay u socoto hannaanka xaqiijinta codadka doorashada Madaxweynaha. ""Waxaan doonayaa in halkan aan ka shaaciyo in xarunta tirinta codadka ee Bomas ay noqotay xarun dambiyeed"" ayuu yiri Saitabao Ole Kanchory, ka hor inta aan makarafoonka laga damin xilli uu hadalka sii watay. Bomas - xarunta dhaqanka ee ku taal caasimadda Nairobi, taasoo ah xarunta ugu weyn ee lagu tiriyo codadka doorashada Kenya ayaa waxaa xalay la geeyay ciidamada ka hortagga rabshadaha. Hoggaamiyeyaasha dalka iyo kuwa diimaha ayaa ugu baaqay shacabka inay dulqaad muujiyaan isla markaana ugu baaqay musharraxiinta ugu cad cad doorashada inay is xakameeyaan oo ay ilaaliyaan mas'uuliyadda saaran. Waxaa haatan si rasmi ah loo xaqiijiyay 141 kamid ah codadka laga dhiibtay 290 deegaan baarlamaaneed. Warbaahinta Kenya ayaa markii hore tirineysay codadka doorashada madaxtinimada iyadoo labada musharrax ay si aad isugu dhaw yihiin. Ku dhawaad 14 malyan oo qof ayaa codeysay doorashada Kenya ee Talaadadii aanu soo dhaafnay ka dhacday dalkaas. Guddiga doorashada Kenya waxay heystaan tan iyo Talaadada nagu soo aadan si ay ugu dhawaaqaan cidda ku guuleystay doorashada Madaxweynaha. Saraakiisha guddiga doorashada ee ku sugan xarunta Bomas ayaa si weyn ugu mashquulsan tirinta codadka doorashada Madaxtinimada. Jimcihii, guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa qiray in hannaanka tirinta codadka doorashada Madaxweynaha ay wakhti badan qaatay isla markaana eedda dusha uga tuuray wakiilada axsaabta ee ku sugan goobta. Saraakiisha guddiga doorashada ayaa hubsanaya iskuna daraya codadka laga dhiibtay in ka badan 46,000 oo goobaha codbixinta. Waxaa dalka laga dareemayaa walaac laga qabo hannaanka gaabiska ah ee ay ku socoto tirinta codadka doorashada iyadoo doorashooyinkii hore ee lagu muransanaa ay sababeen rabshado ama gabi ahaanba meesha laga saaro natiijada doorashada. Kadib rabshadihii hareeyay doorashadii sanadkii 2007-dii, ugu yaraan 1,200 qof ayaa lagu dilay halka 600,000 ay guryahood ka qaxeen kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in doorashada lagu shubtay. Sanadkii 2017-dii kadib khalaadkii dhinaca farsamada ahaa waxay Maxkamadda ugu sarreysa Kenya waxay waxbo kama jiraan kasoo qaaday natiijadii doorashada, waxaana dib loo qabtay doorashada Madaxweynaha. Saraakiisha guddiga doorashada waxay haatan dadaal dheer u galeen in wax kasta ay saxaan. Ma kala cadda xilligga lagu dhawaaqi doono natiijada kama dambeysta ah balse guddiga doorashada Kenya ayaa bilaabay inay xaqiijiyaan codadka doorashada ee guud ahaan 290- deegaan baarlamaaneed. Guddiga doorashada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaa natiijada doorashada madaxtinimada. Murashaxa ku guuleysata doorashada madaxtinimada: Tirinta tooska ah: Natiijada doorashada madaxweynaha Kenya Haweenka Kenya ee ajaaniibta guursaday iyo caqabadaha ay kala kulmaan doorashada Maxaa hortaagan shaacinta natiijada doorashada Kenya?" https://www.bbc.com/somali/war-62538505 +entertainment Bollywood: Is barbardhigga Mithun Chakraborty iyo wiilkiisa oo filim cusub soo saaraya "Wiilka ugu yar ee uu dhalay Mithum ee lagu magacaabo Namashi Chakraborty ayaa qeyb ka ah filimka weli la jilayo ee ""Bad Boy"". Waxay dadka billaabeen in ay ka hadlaan sida uu ugu egyahay aabihii oo xidig dhanka aflaanta ahaa 1980-meeyadii. Sida lagu qoray wargeyska Hindustan Times, Namashi wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay in aabihii ""la barbardhigo. Is barbardhigga waa sharaf wayn"". ""Dadka waxay ila mid dhigi doonaan qof muddo tobannaan sano ah ku soo jiray jilidda aflaanta. Waa qof la xushmeeyo,"" ayuu yiri. ""Haddii dadka ay xirfadda iyo shaqadii aabahey ila barbardhigaan, taasi waa dhibaato. Sababtoo ah, waxaad raadineysaa qaab kale oo Mithun Chakraborty ah, taas oo aan suuragal ahayn. Waa jilaa iga duwan oo xilli kale soo shaqeeyay"", ayuu yiri wiilkan uu dhalay atoorihii caanka ahaa ee Soomaalida qaar ay u garanayaan Been-boode. Mithum wuxuu ka mid yahay xidigii ugu caansanaa Bollywood, sannadhihii 1980-maadkii iyo bilowgii 1990-meeyadii. Aflaantiisa waxay u badan yihiin dagaal iyo kuwa jaceyl ah. Wiilkiisa ugu yar, wuxuu ku barbaaray isagoo daawanaya sida uu aabihii u dagaallamo iyo qaabka uu heeshaha ugu ciyaaro ee u gaarka ahaa. ""Waan arkay dhammaan filimadiisa. Markasta waan jeclaa in aabahay aan ka daawado shaashadaha waaweyn. Waa jilaaga aan ugu jeclahay. Marka wax badan waan iska dhigay sidiisa oo kale. Hab dhaqankiisa iyo sida uu jirkiisa u dhaqaajiyo, sababtoo ah waa aabahay. Marka inaan sidiisa u dhaqmo waa wax dhiigeyga ku jira,"" ayuu yiri Namashi, sida lagu qoray India TV News. Wuxuu ka mid yahay jilaayada da'da yar ee dhowaan ku soo biiray Bollywood. Wuxuu sheegay: ""jilaa kasta wuxuu leeyahay garasho u gaar ah. Fashilkana ma ahan qalad ka dhacay jilaaga ama filim soo saaraha"". ""Ma u maleynayo in ay jiraan jilaayo fiican ama xun. Waxaa jiro kuwo la qaato iyo kuwa la diido. Marka waxay ila tahay in aad raacdo maskaxdaada, garashadaada iyo in aad sida ugu wanaagsan u jisho"". Filimka uu jilayo ee 'bad boy' waa mid jaceyl iyo shactiro isugu jira. Jilaaga caanka ah, Salman Khan ayaa markii ugu horeysay baahiyay in filimkan uu jilayo wiilka Mithum uu ku dhow yahay dhammaad. Balse filimkiisan wuxuu ka mid yahay aflaanta uu saameyay cudurka coronavirus ee la hakiyay, waxaana la filayaa in dhowaan dib loo billaabo si loo dhameystiro. ""Cudurka aawadii, wax kasta way hakadeen. Balse waxaa jiro xaalado dhib badan, waaxan rajeyneynaa in dadka oo dhan ay badbaadaan. Waxaan dooneynaa in filimka uu soo baxo ka dib marka xaaladda ay caadi noqoto"", ayuu sheegay." https://www.bbc.com/somali/war-54191479 +business ‘Dadbaa cunaya cuntada eyga ee Kibble shumacna ku kululaysanaya cuntada’: Maxay tahay saboolnimada UK ka jirta? Saboolnimada Ingiriiska ayaa dadka qaar ku kaliftay inay cunaan (Kibble) oo ah cunto bisadda iyo eyga la siiyo, halka kuwa kale ay shumac ku kululaystaan cuntada. Cabashadan waxaa sameeyay Mark Seed, oo ah agaasimaha mashruuca quudinta bulshada ee Trowbridge, oo dhacda xarunta gobolka Wales ee Cardiff. Falanqaynta BBC ee xogta tirakoobkii Britain ee 2021 ayaa muujinaysa in lix kamid ah bulshooyinka ugu saboolsan Wales, oo ah mid ka mid ah afarta qaran ee boqortooyada ingiriisku ka koobantahay, ay ku suganyihiin degmadaas. Hase ahaatee, Hay’adaha ayaa ka digay in qoysaska tabaalaysan aysan ku noolayn oo kali ah meelaha awal lala xiriirin jiray saboolnimada waxayna ku talinayaan in siyaasadaha aan diiradda lagu saarin oo kali ah deegaanada ee dadka loo jiheeyo. Xaaladda ka taagan Cardiff ayaa ka turjumaysa nolosha adag ee qaar badan oo ka mid ah dadka ku dhaqan UK ay wajahayaan, sicir bararka cirka iskusii shareeraya awgii. War bixinno sida tan Seed oo kale ah ayaa intaa ku daraya qaar badano o kale, oo ah muwaadiniinta dalka kaga nool meela badano oo kala duwan. sida lagasoo xigtay daraasaddii ugu dambeysay ee ay samaysay (which?)  ee ku saabsanayd qoysaska sida ugu daran uu u saameeyay sicir bararka wadanku, Ayaa sheegaysa in ku dhawaad saddex meelood, meel kamid ah hooyooyinka iyo aabayaasha kaligood koriya caruurta ay ka tanaasulaan cunnada hal waqti, si ay u noolaadaan. “Qoysaska UK ayaa tabaalaysan, maciishadda dalka oo kor u kacaday awgeed, iyada oo waalidka kaligood caruurta koriya ay sida ugu daran u saamaysay,” ayey triri Rocío Concha oo ah agaasimaha siyaasadda iyo udoodidda ee (Which?) waxayna u sheegatay majaladda wararka ingiriiska ee The Guardian. Trowbridge waxay ku fadhidaa waxa uu Seed ugu yeeray ‘Poverty Arc’ oo ah halbeeg loo adeegsado khariiradda deegaanada iyo heerkooda saboolnimo. “Waxaan ilaa hadda la tacajubsanahay dadka cunaya Kibble” ayuu yiri Seed “Waxaa jira dad isku dayey inay cuntada ku kululaystaan raadhiyetar ama shumac. Waa sheekooyin run ah oo yaab leh” ayuu kusii daray. “Cardiff waa magaalo qani ah, balse waxay leedahay dulduleello saboolnimo oo aan la aqbali karin,” ayuu yiri seed oo soo wariyey in aanay dadku shaqaysanin lacag ku filan inay iskaga bixiyaan waxyaabaha aas’aasiga ah. Sicir bararku wuu uga sii daray xaaladda oo kali ah. “Dadku waxay noo sheegeen inay shaqeeyaan dhamaan saacadaha ay shaqayn kareen” ayuu sharaxay. Pantari-ga uu mamulo Seed ayaa 160 qof ku siiya qiimo jaban cunto tayo fiican leh . Mid ka mid ahi waa Elizabeth Williams oo 54 jir ah, Taas oo sheegaty in mashruucani uu “isbeddal wayn keenay” dadkana uu isu keenayo, balse waxay sheegatay in xaaladeedu ay aad u liidato. “Badanaa waxaan isku dayaa in aanan qarash ku bixinin dib u habaynta alaabta guriga,” ayey tiri. Ayada iyo lamanaheeda midna ma shaqeeyo, halka wiilkooda oo ayaga la nool uu shaqeeyo saacado aad u badan. “Xataa iyada oo wiilkaygu uu shaqaynayo waxna soo kordhinayo, hadan xaaladdu aad ayey u adagtahay, waayo waa inuu asna noolaado wuxuuna leeyahay baahiyihiisa gaarka ah. Waxuu qabaa dhibaatooyin dhowr ah wuxuuna sugayaa qaliin”, ayey tiri. Tobanaan sano, galbeedka Wales iyo gobolka Valleys ayaa ka helayey maal galin dheeraad ah Midowga Yurub (EU) maadama ay kamid ahaayeen meelaha ugu saboolsan Yurub, balse Cardiff kamid ma ahayn wayo, marka loo eego nolosha celcelis ahaan heerka saboolnimada, looma arkaynin magaalo sabool ah. Victoria Winckler, oo ah agaasimaha NGO-ga Welsh ee Bevan Foundation, ayaa ka digaysa khatarta ay leedahay ku calaamadinta saboolnimo ama qaninimo ee magaalooyinka “Fikirka qaldan ayaa ah in Cardiff ay tahay qani Valleys ay tahay sabool, balse xogtu waxay muujinaysa ina aanay xaqiiqdu sidaas ahayn,” ayey tiri “way jiraan meelo Cardiff ka tirsan oo qani ah, haa, balse waxaa jira meelo badano o dadku aanay nolo fiican ku haysan Cardiff dhexdeeda,” ayey kusii dartay. Qoysaska waalid kaliyaalaha ah iyo dadka hawl gabay waxay u qoondeeyaan cunto, koronto iyo gaas ku dhawaad 30% wixii soo galay.Lamaanayaasha caruurta haysta wax yar ayey hoos u dhacaysaa tiradani oo ah 25% sida lagasoo xigtay qiimayn rasmi ah. Hase ahaatee, dhamaan qoysasku waxay ku bixiyaan aas’aasiga wax ka badan sanadkii hore. Haweenay 40 jir ah waxay u sheegatay wareysteyaasha in, qiimaha biilasheeda awgii in isbuucyada qaar inay xataa quudin kari wayday caruurteeda. Qof kale ayaa intaas ku daray ‘‘ cunta fiican ma cuno si aan caruurtayda u quudiyo dharna ugu gado waliba wax korontada ku bixiyana iigasoo hadhaan.” Sida laga soo xigtay xogta ay daaha ka qaaday toddobaadkan Isbahaysiga Warshadaha Ingiriiska, dhaqaalaha UK wuxuu ku socdaa hoos u dhac 0.4% ah sanadka soo socda sababtoo ah sicir bararka iyo cabsida laga qabo maal gashiga shirkadaha waaweyn. https://www.bbc.com/somali/articles/cxxj61gxlw5o +politics Mareykanka oo si buuxdo u ansixiyay dawo Korona lagu dabiibi karo "Dawadan waxaa la siin doonaa bukaannada ku jira isbitaallada, hasayeeshee hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO) waxa ay sheegaysaa in waxatarkeedu uu yar yahay. Hay'adda dawooyinka u qaabilsan Mareykanka waxa ay meel marisay in bukaannada isbitaallada u jiifa cudurka Covid-19 lagu dabiibi karo dawada remdesivir. Hay'adda maamusha Cunnada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa sheegtay in Veklury, oo ah magaca ganacsiga ee dawada, oo celcelis ahaan shan maalmood ka yareyneysa waqtiga ka soo kabsashada cudurka, taas oo la ogaaday intii ay socotay tijaabada daweynta. ""Veklury waa dawadii ugu horraysay ee lagu dabiibo fayraska Covid-19 oo FDA ay meelmariso,"" sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay FDA. Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay todobaadkii hore sheegtay in dawada remdesivir aanay wax wayn ka tari karin badbaadada bukaannada. WHO ayaa sheegtay in arrintaas ay ka dhalatay daraasad ay samaysay - balse shirkadda Gilead ee dawadaas samaysay waxa ay diidday xogtaas ay hay'addu shaacisay. Isticmaalka Remdesivir ayaa la ogolaaday bishii May, waxaana loo adeegsanayay xaaladaha degdega ah oo kaliya ee gudaha Mareykanka. Waxaa dhawaan la siiyay Madaxweyne Donald Trump kaddib markii laga helay cudurka Covid-19, wuuna ka kabsaday xanuunka coronavirus. Bayaanka ayey FDA ku sheegtay in dawada Khamiistii la ansixiyay ""in la siiyo dadka waa wayn iyo carruurta bukaanka ah ee 12 jirka ah iyo kuwa ka wayn iyo dadka ugu yaraan miisaankoodu uu yahay 40 kiilo-garaam, kuwaas oo isbitaallada looga dabiibayo cudurka Covid-19"". ""Meelmarinta maanta waxaa lagu saleeyay xog laga helay tijaabooyin caafimaad oo badan oo hay'addu ay si qoto dheer ugu qiimeeysay, tanina waa guul taariikhi ah oo ahmiyad saynis leh oo laga gaaray cudurka safmarka ah ee Covid-19,"" ayuu yiri Gudoomiyaha FDA Stephen Hahn. Hay'adda ayaa sheegtay in go'aankeeda ay taageereen dad xogta falanqeeyay oo ka kala socday ""saddex kooxood oo si kala duwan loo soo xulay, kuwaas oo qiimeeyay tijaabooyinka caafimaad oo ay ku jiraan kuwo lagu sameeyay bukaanno isbitaalka loo dhigay xanuun daran oo Covid-19 ah"". Mid ka mid ah daraasaadka ayaa muujiysa in ""xilliga dhexdhexaadka ah ee loogaga soo kabsan karo Covid-19 uu ahaa 10 maalmood, waa marka la isticmaalo dawooyinka Veklury, markii la barbardhigo 15-ka maalmood ee ay ku soo kabsadeen dadka la siiyay dawooyinka placebo"". Barnaamijkeeda midaynta tijaabada caafimaad, WHO, waxa ay baartay saameynta afar dawo oo ay suuragal tahay in la isticmaalo - Remdesivir ayaa ka mid aheyd - waxaa sidoo kale la eegay dawada malaariyada ee hydroxychloroquine. Dawooyinka loo isticmaalo in lagu xoojiyo difaaca jirka, iyo dawooyinka HIV-ga loo isticmaalo ee lopinavir iyo ritonavir. Dexamethasone, oo haatan aad loo siiyo bukaannada Covid ee xaaladdooda ay culus yihiin ee UK, ayaanan lagu darin daraasadda. Afarta dawo waxaa lagu tijaabiyay 11,266 bukaan oo ku jiray 500 oo isbitaal oo ku yaal in ka badan 30 dal oo kala duwan. Natiijooyinka oo aanan weli dib loo eegin, waxa ay muujinayaan in daweyntaas ay saameyn wanaagsan oo dhinaca niyadda ay horseedeen ama mudada dheer ee isbitaalka lagu jiri lahaa oo soo yaraatay, sida ay sheegtay WHO." https://www.bbc.com/somali/war-54659737 +politics Diyaaraddii ugu horeysay oo ardey Afrikaan sameeyeen oo Masar ku wajahan "Diyaarad ay hagaajiyeen da'yar u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu guuleystay inay ka ambabaxdo magaalada Cape Town , waxaa ay ku wajahantahay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Diyaaraddan ayaa markii ugu horreysay kusii hakatay dalka Namibia. Duulimaadkeeda ilaa Qaahira ayaa waxaa uu qaadan doonaa muddo lix toddobaad ah, waxayna jari doontaa masaafo dhan 12,000 Kiiloo miitar. Diyaaraddan oo loogu magac daray 'Sling 4' ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika ku sameeyay 20 ardey ah oo dhiganayay kulyado kala duwan. ""Ujeedka hirgelinta tallaabadan waxay tahay in aan Afrika tusno inay sameyn karto wax kasta waa haddii aad ka fekertid"" ayuu yiri Meghan oo wiil 17 jir ah oo duuliye ka ah diyaaradda. Da'yarta ayaa diyaaradda ka hagaajiyay qalab ay soo saartay warshad ku taalla Koonfur Afrika, waxay ku qaadatay muddo saddex toddobaad ah, qalabka ayaa ah mid lasoo uruuriyay oo la'isku geeyay si diyaarad looga soo saaro. ""Waxaan eegay diyaaradda, waan ku faraxsanahay tallaabadaas, ma rumeysan karo howshan inoo suurogashay, waxaa ay ii lamid tahay sida canugeyga oo aan soo koriyay"" ayay tiri Agnes Keamogetswe Seemela oo ah gabadh 15 jir ah oo kasoo jeeda gobolka Gauteng ee Koonfur Afrika. ""Diyaaradda si wacan ayay u duuleysaa, muuqaalka hawada waa mid soo jiidasho leh"" ayay tiri xilli diyaaradda ay mareysay hawada magaalada Johannesburg ka hor intii aysan bilaabin duulimaadka. ""Waxaan kamid ahaa dadkii isku xiray qeybo kamid ah qalabka ay ka sameysan tahay diyaardda gaar ahaan garbaha ay ku duusho"" ayay tiri. Gabadhan 15 jirka ah, waxay ku rajo weyntahay in dadaalkeeda ku aadan howshan uu diirrogelin dad badan ""Markii ugu horreysay, bulshada aan kasoo jeedo waxay isku naxeen, ma aysan rumeysan in aan diyaarad sameyn karo, waxaa ku yiri, waxaan sameeyay diyaarad uu duuli doonto mid Cape town ilaa Qaaahira"" ""Hadda waxay ku faraxsan yihiin horumarkeyga"" Qofkii bilaabay mashruuca lagu dhisayay diyaaradda waxaa uu ahaa Meghan oo 17 jir ah kaas oo sameeyay mashruuca loogu magac daray U-Dream Global initiative. Agnes Keamogetswe Seemela waxay kamid aheyd lix ardey ah oo helay ruqsooyinka duulista diyaaradaha, waxay ardeydan wadaagi doonaan howsha duulista diyaaraddooda. ""Helidda ruqsooyinka duulista diyaaradda waxay lamid tahay adiga oo qaatay shahaadada koowaad ee Jaamacadda, aniga oo imtixaamka Iskuulka u diyaar garoobaya haddana ku mashquulsan howsha diyaaradda waa arrin adag"" ayay tiri Meghan. Kooxda diyaaradda wadda waxay markii ugu horreysay ku hakanayeen magaalo xeebeedka Luderitz ee dalka Namibia, diyaaradda waxay duulimaadkiiba ku safreysaa lix saacadood iyo bar, inta aysan gaarin Masar waxay kusii hakan doontaa dalalka Zimbabwe, Malawi, Tanzania, Kenya, Itoobiya iyo Eritrea. Diyaaraddan loogu magac daray Sling 4 oo ay hagaajiyeen ardeyda, waxay qorshaheedu tahay inay sii marto magaalooyin dhowr ah inta ay ku gudo jirto safarka si ay ula hadlaan da' yar badan si ay ugu dhiirogeliyaan inay sameyn karaan horumarkan." https://www.bbc.com/somali/war-48664568 +health Vienna: Cudur aan la aqoonin oo saameeyay diblomaasiyiinta Maraykanka ee Austria "Dowladda Mareykanka ayaa baaritaan ku wadda cudur saameyn weyn ku yeeshay diblomaasiyiintooda iyo shaqaalaha kale ee ku sugan safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Vienna ee dalka Austria In ka badan 20 xubnood oo ka tirsan safaaradda ayaa lagu arkay calaamadaha cudur u eg midka loo yaqaanno Havana Syndrome - oo ah xanuun aah ilaa hadda la garanaynin - kuwaasoo dhammaantood xanuunsaday laga soo billaabo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Biden bishii January. Cudurkan wali lama sharrixin, laakiin seynisyahannada Mareykanka ayaa sheegay inay u badan tahay inuu yahay xanuun ka dhashay kuleylka ay dhaliso korontada. Markii ugu horraysay waxaa lagu arkay waddanka Cuba intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2017-kii. Diblomaasiyiinta waddamada Mareykanka iyo Canada ee ku sugan magaalada Havana ayaa ka cawday xanuunkaas oo calaamadihiisa qaar ka mid ah lagu sheegay madax wareer, dhac dhac, maqalka oo luma iyo cabsi xad dhaaf ah. Mareykanka ayaa Cuba ku eedeeyay inay diblomaasiyiintooda ""ku weerareen waxyaabaha dhaliyay xanuunka"", walow ay mas'uuliyiinta dalkaas beeniyeen eedeyntaas. Dhacdooyinkaas ayaa sii xumeeyay xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Cuba. Sanadkii 2019-kii, khubaro Maraykan ah ayaa daraasad ku ogaaday in ""uu dhaawac maskaxda ka gaaray"" diblomaasiyiintii la xanuunsatay cudurkaas, laakiin Cuba ayaa ku gacan sayrtay natiijadaas. Kiisaska Vienna waxaa markii ugu horraysay tooshka ku ifiyay wargayska New Yorker oo maqaal ka daabacay maalintii Jimcada, markii dambena waxaa xaqiijisay wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanka, oo sheegtay ""inay baadhitaan qota dheer ku hayso"". Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa soo xigatay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Austria oo lagu sheegay ""in ay Mareykanka kala shaqeynayaan sidii loo ogaan lahaa gunta hoose ee arrintaas"". Magaalada Vienna ayaa taariikh dheer ku leh inay xarun u tahay howlaha diblomaasiyadda caalamka, waxayna sharaf badan ku kasbatay kulamo xasaasi ahaa oo ay martigalisay, gaar ahaan xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa. Dalalka uu Mareykanka ka mid yahay ayay diblomaasiyiin badan u joogaan halkaas. Magaaladan ayaa hadda martigalinaysa wadahadallada tooska ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan, kuwaasoo qayb ka ah isku dayga dib loogu soo noolaynayo heshiiskii nuclear-ka ee la saxiixay 2015-kii. Kiisas kale oo ku saabsan xanuunkan ayaa laga soo tabiyay meelo ka mid ah caalamka, laakiin saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in tirada lagu arkay magaalada Vienna ay ka badan tahay magaalo kasta, marka laga reebo Havana. Bishii June, Xog hayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken , ayaa shaaciyay in il gaar ah lagu hayo waxa sababay cudurkaas." https://www.bbc.com/somali/war-57874656 +health Beerta qofkii dhirteeda taabta, uriya ama cuna uu dhimanayo "Beerta Sunta waxay ku taallaa magaalada Alnwick ee dalka Ingiriiska. Waxay hoy u tahay oo ku tallaalan in ka badan 100 geed oo sun ah, kuwaas oo ay ku jiraan qaar lagu dawaqayo ama maanka doorinaya haddii la cuno. Sidaas oo ay tahay waa beer u furan oo ay booqan karaan dadweynaha. Calaamadda iridda madow ee birta ah waxay leedahay, ""dhirtani wax bay dili kartaa"", erayadaas oo dhinacyada uga xardhan sawir qolfoof (madax iyo lafo is-gudban) si halisteeda looga qiyaas-qaato. Digniintu ma ahan kaftan – albaabbadaasi ka sameysan biraha madow waxay xeyndaab u yihiin beerta dilaaga ah ee ugu halista badan adduunka. Beerta Sunta waxaa la aasaasay 2005-tii. ""Kahor inta aan booqdeyaasha loo oggolaan inay gudaha galaan, waa in la siiyo warbixin la xiriirta badqabkooda,"" ayuu yiri Dean Smith, hagaha Beerta Sunta. Booqdayaasha waxaa la faraa in aan loo oggolayn taabashada, dhadhaminta ama urinta dhirta - si kastaba ha ahaatee, sida uu qoray website-ka beerta, waxaa jira dad miyir-daboolmay iyagoo dhex socda beerta neefta sunta ah ee ay hawada ka qaateen darteed. Mid ka mid ah geedaha halista ah ee lagu beeray halkaas waa mid lagu magacaabo monkshood oo ay ku jirto sun neerfaha waxyeelleysa, habka shaqada wadanahana halis ku ah. Balse kaas ma aha geedka ugu khatarta way nee halkaas ka baxa. “Waxay u badan tahay in dhirta ugu halista wayn ee halkan ku taalla ay tahay geedka sunta ah ee loo yaqaanno ricin, oo ah mid sida digirta u samaysan saliidna leh,” ayuu yiri Smith. Buugga lagu diiwaangeliyo mucjisooyinka adduunka ayaa geedkan u aqoonsaday inuu yahay kan ugu sunta badan adduunka. Waxaa la yaab leh, wax badan oo ka mid ah waxyaabaha ka baxa beerta waa wax caadi ah. ""Qaar badan ayaa ka baxa duurka UK, badi dhirtuna aad bay u fududahay in la beero,"" ayuu yiri Smith. Caleemahaas dhirta qaar waxaa ku jira waxa loo yaqaan ‘grayanotoxin’ oo weerari karta hab-dhiska neerfaha qofka cuna. ""Inkastoo aysan u badneyn inaad cunto caleemaha, sababtoo ah waxay u dhadhamiyaan qaab labbo-labbo ah,"" ayuu si kalsooni leh u yiri Smith. Waxaa kaloo dhirtaas ku jira geedka laburnum, oo ah kan labaad ee ugu sunta badan UK (kaliya geedka yew ayaa ka khatar badan). Dad badan ayuu ugu yaallaa agagaarka guryahooda, ubaxyada uu dhalo ee jaallaha ah ee quruxda badan dartood, laakiin waxaa ku jira sun loo yaqaan 'cytisine'. ""Geedku aad buu u sun badan yahay,"" ayuu yiri Smith, ""haddii mid ka mid ah laamihiisu ay dhulka ku soo dhacaan, oo dhowr bil kaddibna uu qaado ey meesha soo maray, eygaas ma dhamayn doono socodkaas. Halisteedu waa heerkaas. Dhirta sunteeda kuma sii deyso dadka iyo eyda, se waxay sumeyn kartaa ciidda - taas oo ka dhigaysa in waxa kaliya ee ka bixi kara ay noqdaan dhir kale oo sun ah. Dhirta qaar ma aha in la cuno, la taabto, la ursado ama loo beddelo dawada dhimirka oo way ku dili kartaa. Waxaa jira hal geed oo beerta ku yaal oo ku dili kara xitaa haddii aad qeyb ka goyso. Xididka dhirta qaar waxaa ku jirta sun awood u leh inay joojiso dhaqaaqa wadnahaaga, dheecaankuna wuxuu leeyahay cuncun maqaarka ah oo daran. Marka had iyo jeer waa inuu qofku xirto gacmo-gashi, Smithna wuxuu ka digay in aad goloofiska isaga siibto ilkaha. Shaqaalaha beertu waxay qaadaan tallaabooyin badqab oo kala duwan sida uu sheegay Robert Ternent oo ah madaxa shaqaalaha beerta. “Annaga ayay nagu xiran tahay inaan baranno isticmaalkooda, sababtoo ah wax badan oo dhirtan ah ayaa loo isticmaalaa si waxtar leh. Dhammaan ma wada xuma,"" ayay tiri Amy Thorp oo ka mid ah shaqaalaha beerta. Dhanka kale haddii aan ka eegno, qaar ka tirsan geedaha sunta ah ee beerta waxaa loo adeegsadaa dawo, sida ‘yew’ oo loo isticmaalo daaweynta kansarka naasaha. Sidoo kale ‘periwinkle’ haddii si sax ah loo farsameeyo, waxaa laga soo saaraa dawooyin faa'iido leh. Beertu waxay qeyb ka tahay mashruuca waxbarashada dawooyinka ama maandooriyeyaasha sida ay sheegtay Claire Mitchell oo ah madaxa bulshada iyo waxbarashada. Beerta waxaa ku yaalla saddex nooc oo geedo ah oo UK looga aqoonsan yahay inay yihiin daroogo. Nooca daroogada heerka koowaad waxaa loo yaqaannaa opium poppies, heerka labaad waa xashiis, kan saddexaadna waa qaadka." https://www.bbc.com/somali/articles/cd14x0ggpnjo +health "Coronavirus: ""Anigoo geeri u dhow ayaan codsaday in cunuggeyga uun la ii badbaadiyo""" "Markii isbitaalka la geeyay haweeney da' yar oo la xanuunsan cudurka Covid-19, neeftuna ay dhibeyso iyadoo leh uur toddobo bilood ah, shaqaalaha caafimaadku waxay ogaayeen in laga sugayo dadaalka lagu badbaadin karo hooyada iyo cunuga caloosheeda ku jira labadaba, sida uu qoray Dr John Wright. Mehpara Naqvi waa 22 jir ka qalin jabisay jaamacadda Bedfordshire. Waxay magaalada Bradford u tagtay inay kula noolaato ninkeeda, Cali, iyo qoyskiisa. Bannaanka aad uguma aysan bixi jirin markii uu dillaacay fayraska corona, sida ay sheegtayna waxay tageen dukaan ay alaab uga soo iibiyeen cunuggooda oo la filayay inuu dhasho bisha December. Laakiin bishii October ee sanadkii 2020-ka, Mehpara waxay dareentay madax xanuun, wayna ufaceysay. Kaddib waxay billowday in uu ka lumo dareenka dhadhanka iyo urka, sidaas ayeyna ku fahantay in ay qabto cudurka Covid-19. Iyada iyo ninkeeda Cali waxay isku karantiileen qeybta kore ee guriga, cuntadana waxaa bannaanka u dhigi jirtay Cali hooyadiis. Laakiin labo ama saddex maalmood kaddib, Mehpara waxaa ku adkaatay neefsashada, Calina wuxuu ku khasbanaaday in uu ugu yeero gaariga ambalaata ee gurmadka degdegga ah. Habeenkii ugu horreeyay ee ay isbitaalka ku jirtay xaaladdeedu way kasii dartay, waxaana loo sii gudbiyay qeybta daryeelka gaarka ah ee loo yaqaanno ICU-da. Dhakhtarka qoray warbixintan wuxuu sheegay in mowjaddii ugu horreysay ee Covid-19 aan lagu arkin haweeney la xanuunsan cudurka oo sidoo kalena uur leh. Sidaas darteed Mehpara ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee noocaas ah oo uu cudurka si xun usoo rito. Debbie Horner, oo ah dhakhtaradda sida gaarka ah ula socota haweenka uurka leh ee isbitaalka ayaa il gooni ah ku heysay xaaladda haweeneyda da'da yar ee uurka lahayd. Umilisooyinka iyo dhakhaatiirta kaleba waxay si joogto ah ula socdeen wadne garaaca cunugga caloosheeda ku jira. Debbie waxay u sheegtay Mehpara in cunugga xaaladdiisu ay wanaagsan tahay, xilligaasna uu ku nabad qabo ilmo galeenka dhexdiisa, laakiin laga yaabo in xaaladdu ay gaarto heer looga soo saaro qalliin. Maadaama uurka uu yahay 7 bilood, waa caadi in cunugga laga soo saaro caloosha hooyada kaddibna daryeel gaar ah loo billaabo. Arrintaas waxay dhakhtaraddu sidoo kale telefoonka ugu sharraxday Cali. Hase yeeshee Mehpara waxaa ku batay walwal. ""Waxay ila noqotay in aanan noolaan doonin, oo wax ay ku dhici rabaan cunugeyga,"" ayey tidhi. ""Sidaas awgeed waxaan u sheegay kalkaalisadeyda in aan doonayo in qalliin la igu sameeyo, oo cunugga la iga soo saaro. Waxaan idhi, 'Aniga uma maleynayo in aan badbaadi doono sidaas darteed waxay ila tahay inaad ii badbaadisaan cunuggeyga kaliya.'"" Waxay xasuusataa in ay hadalkaas u sheegtay Debbie. ""Runtii way igu qancineysay inaan noolaan doono. Waxay igu tidhi, 'Ma oggolaan doonno in ay wax ku gaaraan, adiga iyo cunuggaagaba waan ku badbaadin doonnaa.'"" Laakiin Mehpara ma aysan aaminsaneyn in Debbie ay run sheegeyso. Muddo yar kaddib, xaaladda Mehpara aad bay usii xumaatay, nafteeda iyo nafta cunugeeduna halis siman ayey galeen. Ugu dambeyn Debbie iyo kooxdeeda waxay dareemeen in la joogo waqtigii cunugga laga soo saari lahaa caloosha hooyada. Balse markii qolka qalliinka la geeyay waxaa la ogaaday in Mehpara uu cabirka dhiiggeeda aad hoos ugu dhacay, taasoo halista ugu weyn keeneysay. Dhakhaatiirtu waxay go'saansadeen in ay dhiiggeeda kordhiyaan, qalliinkana ku sameeyaan iyadoo suuxdan. Debbie waxay u sheegtay Mehpara in la soo naaxin doono sida ugu dhakhsiyaha badan ee macquulka ah marka uu qalliinka dhammaado. ""Laakiin waan u sharraxay in aanan ogeyn waqtiga ay qaadan karto howshaas. Waxaan u sheegay in laga yaabo dhowr maalmood kaddib in lasoo toosiyo."" Dadaal dheer kaddib, 5-tii Bishii October ayaa lagu sameeyay qalliinka, gabadheeda Nuur ayaana ku dhalatay iyadoo culeyskeedu dhan yahay 1.5kg (3lb 5oz). Markaas wixii ka dambeeyay xaaladdu si tartiib tartiib ah ayey usoo hagaageysay. Markii ay Nuur dhalatay waxaa si toos ah ambalaas loogu qaaday qeybta daryeelka carruurta xilligooda ka hor dhasha, halka hooyadeed Mehpara dib loogu celiyay ICU-da, iyadoo lagu sii hayay koomo. ""Muddo 9 maalmood ah ayuu igu xirnaa qalabka neefsashada ee loo yaqaanno ""ventilator"", sida ay ila tahay,"" ayey tidhi Mehpara. ""Waxba kama aanan ogeyn goor aan dhalay, wax aan ogaa maba jirin."" Markii ugu dambeyn Mehpara laga soo saaray koomada, way ku adkeyd in ay hadasho ama ay wax fahanto, laakiin xoogaa kaddib Debbie ayaa muuqaal kula hadashiisay ninkeeda Cali. Isagu markaas wuu ka baxay marxaladdii karantiilka wuxuuna joogay qeybta ay gabadhiisa yar ku jirtay. ""Sidaas awgeed, waxaa hooyda u suuragashay in ay markii ugu horreysay aragto cunuggeeda,"" ayey tidhi Debbie. ""Runtii xaalad dareenka xamaasadda kicineysa ayey ahayd. Hadal ma aysan sameyneynin, way ooyeysay oo kaliya. Aniga lafteyda dareen ayaa i qaaday, kalkaalisooyinkii oo dhanna aniga ayey ila mid ahaayeen,"" ayey tidhi dhakhtaradda. Mehpara waxay dib u xasuusataa in markii ay koomada kasoo baxday ay kala garan weysay waxa halkaas ka socday. Ma yasan fahmi karin sababta ay dadkoo dhan u xirnaayeen maaskaro iyo dharka qafilan ee fayraska la isaga ilaaliyo. ""Waxaan is idhi, 'Aaway cunuggaagii?' laakiin ma aanan hadli karin,"" ayey tidhi. Laakiin si fiican ayey u xasuusataa markii ugu horreysay ee ay arkeysay gabadheeda. ""Waxay qorsheeyeen in aan arko cunugteyda, xaalad farxad badan ayeyna ii ahayd,"" ayey tidhi. ""Gabadheyda aad bay u qurux badneyd anigana markaas ayaan fahmay wax walba oo dhacay, waana arkay in gabadheyda ay ii badbaadday."" Marxaladdii xigtay waxay ahayd in Mehpara loo gudbiyay qeybta hooyooyinka umulay ee isbitaalka, balse maalmo kale ayey u baahneyd in ay isbitaalka ku jirto. Mehpara waxaa ugu dambeyn isbitaalka laga saaray 3-dii bishii November kaddib markii ay ku jirtay qiyaastii hal bil. Sida dhammaan dadka galay qeybta ICU-da oo kale, Mehpara waxay si tartiib tartiib ah uga soo kabaneysaa tabadarradii xanuunka. Waqti ayey qaadaneysaa taas, hadda waxaa dhiba inay masaafo dheer lugeyso, mararka qaarna neefsashada ayaa dhibta. ""Waxa ugu daran waa xasuusta iga luntay ee maskaxda. Waxyaabo badan ayaan hilmaamay, laakiin rajo ayaan ka leeyahay in aan sidii caadiga ahayd ku noqon doono,"" ayey tidhi. ""Da'deydu waa 22 sano kaliya. Caafimaadkeyguna aad ayuu u wanaagsanaa, balse waxaan si fiican u ogaaday in fayraska uusan kala lahayn da."" Dhanka kale, Mehpara waxay qiratay in fayraska aysan markii hore u qaadanin wax dhab ah oo halis ku noqon kara. Waxay xitaa aaminsaneyd marin habaabinta bulshada looga dhaadhiciyay in isbitaalka uu yahay meel halis ah. ""Runtii aniga nafteyda waxay ku badbaadday isbitaalka,"" ayey tidhi. ""Haddii aa guriga joogi lahaa waxaan u maleynayaa in ay wax aad u xun nagu dhici lahaayeen aniga iyo Noor labadeennaba, sidaas awgeed waan ku faraxsanahay in isbitaalka la i geeyay. Nafteyda waxaan abaal uga hayaa shaqaalaha NHS."" Dr Debbie Horner aad bay ugu faraxday in sheekada ay ku dhammaatay Mehpara, Cali iyo gabadhooda Noor oo dhammaantood nabad qaba." https://www.bbc.com/somali/war-55509077 +politics Muxuu amiirka boqortooyada Ingiriiska ugu socday dhul ay miino ka buuxdo? "Prince Harry, oo u jira safka dhaxal sugeyaasha boqortooyada Ingiriiska ayaa booqasho uu ku marayo Koonfurta Qaaradda Africa ku daray waddanka Angola, si uu u dardar galiyo dadaallada ku aaddan in miinooyinka dhulka ku aasan la bixiyo ama la burburiyo. Amiirka ayaa raacay raadki hooyadiis, Princess Diana, oo sanadkii 1097-kii ku lugeysay dhul qeyb ahaan miinada looga saaray. Sawirrada laga qaaday xilligaas ayaa caan ka noqday dunida oo idil. Miinooyinka dhulka ku jira ayaa wali sii galaafta nolosha kumannaan qof oo ku nool dalal badan oo ku yaalla adduunka. Hadaba xagey miinooyinka uga jiraan caalamka, maxaase horumar ah oo la sameeyay? Princess Diana ayaa aad loogu yaqanay shaqooyinkeeda dhinaca samafalka, waxayna fulin jirtay howlo inta badan ka qarsan indhaha dadweynaha. Tusaale ahaan, sanadkii 1987-kii waxay markii ugu horreysay UK ka furtay xarun caafimaad oo loogu adeego dadka la xanuunsan HIV/Aids. Tallaabadaas ayaana baddashay fikraddii laga qabay cudurkaas. Inay xoojiso wacyigalinta ku sabsan miinooyinka waxay ahayd howsheedii ugu weyneyd ee ay qabatay markii ay isfureen amiirka Wales sanadkii 1996-kii. Muddo tobannaan sano ah ayaa miinooyinka dhulka lagu aaso loo adeegsan jiray dagaallada sokeeye. Kuwo badan oo iyagoo aan qarxin ay dagaallada istaageen ayaa dilayay ama curyaaminayay dadka ku joogsada marka ay lugeynayaan ama gawaarida ay saaran yihiin. Sawirradii laga qaaday iyadoo la joogta dadkii ku curyaamay qaraxyada miinooyinka intii ay ku sugneyd Angola ayaa muujiyay dhibaatada ka dhalata hubkaas meelo badan ku aasnaa. Prince Harry ayaa intii uu socdaalkiisa ku guda jiray waxa uu miinooyinka dhulka ku aasan ku qeexay ""dhaawacyo aan bogsooneyn oo laga dhaxlay dagaallada"". Miinooyinka waa bambooyin qarxa oo dhulka ku jira. Waxay leeyihiin hab loo diyaariyay inay u qarxaan, intooda badanna waxaa laga hoos mariyaa ciidda kore, ama dhulka dushiisa ayaaba la dhigaa. Waxaa jira labo nooc oo miino ah: tan dadka loogu talagay, oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in qofkii ku istaaga ay ku qaraxdo, iyo Miinada loogu tala galay gawaarida, taasoo gaarigii ku istaaga ku qaraxda. Markii ugu horreysay miinooyinka waxaa loo adeegsaday Dagaalkii Koowaad ee Aduunka, balse waxyeelladoodu waxay soo xoogeysatay wixii ka dambeeyay 1960-meeyadii. In si aan kala sooc lahayn miinoyinka dhulka loogu aaso waxay qeyb ka noqotay qorshaha milatariga, arrintaasna waxay nolosha ku adkeysay dad badan oo shacab ah. Qiyaastii 60 waddan ayey wali ka buuxaan miinooyinka loogu talagalay inay dadka ku qarxaan. in ka badan 120,000 oo ruux ayaa ku dhintay miinooyin dhulka ku aasan oo ku qarxay intii u dhaxeysay sanadihii 1999-kii ilaa 2017-kii, sida ay sheegtay hay'ad cilmibaaris ku sameysa waxyeellada ka dhalata miinooyinka. Ku dhawaad kala bar ka mid ah dadka ku dhintay qaraxyadaas ayaa carruur ah, kuwaasoo 84% ka mid ah ay wiilal yihiin. Dadka rayidka ah ee ku dhinta qaraxyada miinooyinka ayaa lagu qiyaasay 87%. Guud ahaan dunida, kumannaan miino ayaa wali dhulka ku jira. Angola waxay ka mid tahay dalalka ay ku aasan yihiin miinooyinka ugu badan caalamka, maadaama uu waddankaas dagaal sokeeye ka socday intii u dhaxeysay 1975-kii ilaa 2002-dii. Hay'adda samafalka Halo ee sameysa howlaha miino saarista ayaa sheegtay inaysan macquul ahayn in si sax ah loo ogaado goobaha ay miinooyinka ku jiraan ee dalkaas, laakiin waxay ku guuleysatay inay saarto ilaa 100,000 oo miino tan iyo sanadkii 1994-kii. Mas'uuliyiinta howlaha miinooyinka ee dalka Angola ayaa sheegay inay jiraan ilaa 1,200 oo goobood oo ay miinooyinka ugu jiraan si aan kala sooc lahayn." https://www.bbc.com/somali/war-49864744 +entertainment Cobhams Asuquo: Fannaanka caanka ah ee mar codkiisa necbaa "Cobhams Asuquo ayaa kamid ah hobalada ugu caansan fanka Nigeria. Hase yeeshee waxa uu fankaas ku billaabay qaab hoose, isagoo markii hore necbaa codkiisa. Marka uu ka sheekaynayo sida uu uga nixi jiray codkiisa, waxaad moodaysaa inuu ka hadlayo qof kale. Waa sababta uu muddoo 13 sano ah u ahaa soo saare heesaha ah, isagoo la shaqeeyay qaar kamid ah xidigaha ugu caansan fanka Afrika. Asuquo oo 41 jir ah, ayaa qaaday heeso hirgalay oo ay kamid yihiin We Plenti, One Hit iyo Ordinary People. Muyiwa Oyinlola oo kamid ah asxaabta Asuquo ayaa sheegay in marka kasta uu u sheegi jiray in codkiisu yahay mid aan ku wanaagsaneyn heesaha, taasina ay dhalisay inuu iska raadiyo codka dadka kale. Markii ay dhigan jireen iskuulka King's College ee Lagos, Oyinlola ayaa xusuusta in Asuquo, oo araga naafo ka ah uu duubi jiray codka macallimiinta marka ay casharrada bixinayaan. Kama ahayn inuu ku ceshado oo keliya ee sidoo kale waxa uu iska raadin jiray codka macallimiintaas. Cobhams Asuquo ayaa sheegay in markii uu go'aansaday ku luuqeynta heesaha uu dareemay inuu samayn karo waxyaabo aanay awoodin dadka kale. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in marka uu fagaarayaasha ka heesayo uu inta hore dareemo cabsi, balse uu taa ku maareeyo duco iyo is adkeyn. Fannaanka caanka ah ee darbi jiifka ahaan jiray Soomaali hees ku dhiirogalinaya adeegsiga qabiilka Inkastoo hadda uu yahay nin caan ah, haddana Asuquo ayaa dhibaato badan ka soo maray fanka Nigeria. Waxa u uku dhashay arag la'aan, taasoo keentay in markii uu billaabay fanka lagula kaco faquuq. Waxa uu xusuusta mar uu fanaan diiday inuu soo saaro heesaha uu qaadayay. ""Waa fanaan weli maanta caan ka ah Nigeria. Waxaan lahayn ballan ah in aan u soo saaro heestiisa, asna uu la yimaado kooxdiisa,"" ayuu sheegay Asuquo oo intaa raaciyay in fanaankaas uusan soo xaadirin. ""Muddo sideed saac ah ayaa ku sugayay istuudiyaha"" ayuu sheegay Asuquo. Waxa uu markii dambe ogaaday in fanaankaas uu diidanaa inuu la shaqeeyo soo saare araga naafo ka ah. Ka hor inta uusan ku biirin fanka, Asuquo ayaa waxa uu la kulmay niyad jab kale, kadib markii uu deeq waxbarasho ka helay jaamacad Maraykan ah, balse ay u suurageli wayday isagoo rumaysan in ""aakhiru saaca lagala laabtay."" Saaxiibkii Oyinlola ayaa rumaysan in jaamacada ay ka walaacday in ""ruux araga naafo ka ah oo ka yimid dal soo koraya"" aanu la qabsan karin waxbarashadadeeda, balse Asuquo ma uu san u joojin oo waxa uu billaabay fanka. Asuquo ayaa ku doodaya in qaabka wanaagsan uu u fekero uu qeyb ahaan ka yimid sida uu u soo barbaaray. ""Waxaan maanta ku gaaray halka aan joogo jaceylka ay ii muujiyeen qoyskeyga,"" ayuu yiri Asuquo. Asuquo oo aan waxbarasho billaaban ilaa uu ka gaaray da'da 10 jirka, ayaa sheegay in qoyskiisa ay u sameeyeen wax kasta oo karaankooda ah, isla markaana ay dareensiiyeen inuu yahay canug caadi ah. Waalidiintiis ayaa ku abaabiyay in ""arag la'aanta"" ay tahay tilmaan uun, sida dadka ay u tilmaamaan ""qofka madow"", ""kan dheer"" ama ""kan gaaban"". Qaab dhegaysi ah ayuu ku bartay sida loo ciyaaro qalabka piano, waxaana ku caawiyay saaxiibkii oo uga soo qaaday gabar la dhalatay. Asuquo ayaa noqday safiirkii ugu horreeyay ee hay'adda Unicef ay u magacowdo muddo 15 sano ah, waxaana taa ka saaciday xusuusta wanaagsan ee uu u leeyahay carruurnimadiisii. Waxa uu rumaysan yahay in dhibaatada ka taagan xuquuqda carruurta, gaar ahaan kuwa ay lixaadkoodu kala dhiman yihiin ay tahay mid si guud uga dhalatay hogaan xumada ka jirta dalkiisa. ""Waxaa meesha ka baxay hogaanka mas'uuliyadda qaadi kara isla markaana daacadda ah."" Waxa ay la tahay in noolasha uu soo maray ay ka caawin karto dedaalka uu ugu jiro wanaajinta carruurta Nigeria." https://www.bbc.com/somali/war-60816808 +sports Mo Farah oo su'aal uu muddo badan ka fikirayay waydiiyay Mo Faaraxa runta ah "Orodyahanka afarta jeer noqday horyaalka Olympic-ka, Mo Farah, oo dhawaan sheegay in magaciisa dhabta ah uusan ahayn kaas ayaa wada sheekeysi cajiib ah la yeeshay ninka uu magaciisa wato ee sida runta u ah Mo Farah. Dukimintari ay BBC-da ka samaysay qisada ku saabsan Mo Farah iyo sida uu yaraantiisii ku tagay UK ayaa qayb ka mid ah lagu soo bandhigay hadalka dhex maray labada nin. Mo Faaraxa orodyahanka ah, oo hadda sheegay in magaciisa runta ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, ayaa khadka loo soo galiyay ninka uu magaciisa ku galay UK, waxa uuna ugu horrayntiiba kala hadlay sida uu muddo dheer magaciisa u watay. ""Ma rumaysan karo inaan kula hadlayo hadda. Waxaan watay magacaaga sannado badan, waana ku faanaa heerka aan gaaray,"" ayuu ku yiri. Intaas marka uu marayo ayuu waydiiyay su'aal uu waqti dheer ka guuxaysay maskaxdiisa. ""Balse shaksi ahaan waxaan mar walba iswaydiin jiray, 'Aaway Maxamed? Ma nabad qabaa? Noloshiisu siday u egtahay? Waan ka fikiraa mar walba, waana rabay inaan kula soo xiriiro."" Mo Faarax ayaa markaas kaddib Mo Faaraxa runta ah waydiiyay sida ay noloshiisa tahay hadda iyo inuu reer iyo carruur leeyahay. Balse Maxamed ayaa sheegay in uusan wali reer samaysanin. Qiiro ayaa ka muuqatay Mo Farah marka uu su'aalaha isdaba joogga ah waydiinayay ninka uu magaciisa caanka ku ahaa muddada dheer. Balse wali way harsanayd su'aashii ugu xiisaha badnay. In xoogaa ah markii ay sheekeysteen ""Xuseen Cabdi Kaahin"" iyo Maxamed Faarax oo telefoonka qaab maqal iyo muuqaal ah ugu jiray, waxa uu waydiiyay su'aal kale oo iswaydiinteeda mudan. ""Sideed isku tihiin orodka?"" Maxamed oo su'aashaas ka jawaabayay ayaa yiri: ""Maya aniga orodka kuma fiicni."" Waxa uu sidoo kale sheegay in uu telefishinka ka daawado Mo Farah oo ordaya, halka isaguna uu yahay taageere kubbad. Dukumintariga ay sida wadajirka ah u duubeen BBC-da iyo shirkadda Red Bull ayuu Sir Mo Farah markii ugu horryasay shaaca uga qaaday qisada aan laga ogayn, waxa uuna sheegay in isagoo 9 jir ah qaab sharci darro ah lagu geeyay UK. Orodyahankan 39 jirka ah ayaa sheegay in uu nafisay kaddib markii ay dowladda sheegtay in aysan kala noqon doonin sharciga dalka. Hase yeeshee booliska ayaa sheegay in ay baaritaan ku samayn doonaan arrimo uu muuqaalka ku sheegay oo ay ka mid tahay in xilliga uu yaraa shaqaale guri laga dhigtay." https://www.bbc.com/somali/articles/cx878lj32wno +politics Mexbuuba Mufti oo laga siidaayay xabsi ay ku jirtay 14 bilood Madixii maamulkii hore ee Kashmiir ee ay India maamusho ayaa xabsiga laga siidaayay kaddib muddo ka badan sanad oo ay u xirnayd dowladda dhexe ee India. Mexbuuba Mufti ayaa la xiray horraantii bishii Agosto ee sanadkii hore, xilligaasi oo ah markii dowladda India ay gobolka Kashmiir kala noqotay ismaamulkii. Muddo laba sano ah ayay ahayd in haweeneydani xabsiga lagu sii hayo iayada oo aan maxkamd la hor keenin balse gabar ay dhashay ayaa racfaan ka qaadatay go'aankaasi oo dacwad ka dhan ah go'aankaasi geysay maxkamadda sare ee dalkaasi. Gabadhaasi ayaa xalay qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ee hooyadeed ku sheegtay in hadda la soo afjaray xariggii sharcidarrada ahaa ee hooyadeed lagula kacay, waxayna u mahadcelisay cid kastaa oo ka qeyb qaadatay in ay dib u hesho xorriyaddedda. Dowladda dalkaasi India ayaa la rumeysan yahay in sanadkii la soo dhaafay ay xabsiga dhigtay kumannaan qof oo ay ku jiraan hawlwadeenno u dooda xaquuqul insaanka, siyaasiin iyo ganacsato kaddib markii ay awooddii ismaamulka ka qaaday gobolka Kashmiir. Mufti oo cod soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa dowladda dalkaasi ugu baaqday in xabsiga laga sii daayo dhammaan maxaabiista kale xabsiyada ku jirta. Waxay sidoo kale sheegtay in shacabka gobolkaasi aysan u dulqaadan doonin gefkii loo geystay shanti bishii Agoste ee sanadkii hore islama markaana ay sii wadi doonaan halgankooga. Gobolkaasi Kashmiir ayaa in muddo ah lahaa ismaamul u gooni ah oo arrimaha qaar madax-bannaani u siinayay balse go'aanka ah in dowladda dhexe ee India ay awooddaasi laasho ayaa waxaa ka dhashay muran aad u badan iyo dibadbaxyo dhibaatooyin badan abuuray. Dowladda dalkaasi ayaa kumannaan ka tirsan ciidamadeeda ku daabushay gobolkaasi, si ay uga hortagaan rabshadaha ka dhashay go'aankaasi, waxayna hawada ka saartay intarneedka iyo dhamaan isgaarsiinta kale. https://www.bbc.com/somali/war-54534997 +technology Sida uu Tiktok lacag uga faa’iido dadka ‘live-ka’ uga tuugsada oo la ogaaday "Qoysaska soo barakacay oo ku jira xeryaha Suuriya ayaa taakuleyn deeq ah loogu raadiyaa in muuqaallo toos ah looga baahiyo TikTok, iyadoo shirkaddaas lagu soo bandhigayo dhibaatooyinkooda ay qaadato ilaa 70% lacagta la ururiyo, sida ay  BBC-du ku ogaatay baaritaan ay samaysay. Carruurta ayaa si toos ah loo soo fariisiyaa marka la sameynayo tebinta tooska ah muddo saacado ah, iyagoo dadka daawanaya ka codsanaya haddiyado dhijitaal ah oo leh qiime lacageed. BBC-du waxay aragtay in barnaamijyadan ay soo gasho lacag gaarayso ilaa $1,000 (£900) saacaddiiba, laakiin, waxay BBC-du ogaatay sidoo kale in dadka xeryaha ku jira ay helaan qayb yar oo keliya. TikTok wuxuu sheegay inuu qaadi doono tallaabo degdeg ah oo ka dhan ah ""tuugsiga khiyaanada ah"". Shirkaddu waxay sheegtay in waxyaabaha noocaan ah aan loo oggolayn in boggeeda lagu isticmaalo, waxayna tilmaantay in haddiyadaha dhijitaalka ah ay aad uga yar yihiin 70%. Laakiin, shirkaddu way diidday inay xaqiijiso tirada saxda ah. Horraantii sanadkan, dadka adeegsada TikTok waxay arkeen qoysaska ku jira xeryaha Suuriya oo si toos ah uga dhex tuugsanaya TikTok, iyaga oo taageero ka helaya daawadeyaasha qaar, waxaana jira welwel ku saabsan in dad kale ay ku tuugsanayaan qaxootiga oo khiyaanada ay ka dambeeyaan. Xeryaha ku yaalla waqooyi-galbeed ee Suuriya, waxay BBC-du ogaatay inay jiraan ""dad ka dallaala TikTok"" oo arrintan fududeeya, kuwaas oo qoysaska siinayay taleefan iyo qalab ay si toos ah barnaamijyada uga qayb qaataan. Dadkan dalaalka ah ayaa sheegay inay la shaqeeyaan hay'ado xiriir la leh TikTok oo Shiinaha iyo Bariga Dhexe ah, kuwaas  oo qoysaska u fududeeyay inay helaan akoonnada TikTok. Wakaaladahan waa qayb ka mid ah istiraatiijiyada caalamiga ah ee TikTok, si ay u shaqaaleysiiso dad ka qayb qaata baahinta tooska ah iyo dhiirrigelinta dadka isticmaala inay waqti badan ku bixiyaan boggeeda. Mona Ali Al-Karim iyo lixdeeda gabdhood ayaa ka mid ah qoysas si toos ah uga qayb qaata barnaamijkan TikTok maalin kasta, iyagoo fadhiya sagxadda teendhadooda saacado badan, kuna celcelinaya erayo yar oo Ingiriis ah oo ay garanayaan: ""Fadlan like, fadlan share, fadlan haddiyad."" Mona ninkeeda ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah, waxaana ay u adeegsaneysaa barnaamijkan tooska ah ee TikTok inay lacag ay ugu aruuriso gabadheeda Sharifa oo doonaysa in qalliin dhanka indhaha ah lagu sameeyo. Haddiyadaha ay codsanayaan waa kuwo macmal ah, laakiin waxay daawadeyaasha ugu fadhiyaan lacag dhab ah, waxaana loo gala bixi karaa app-ka lacag ahaan. Daawadeyaasha tooska ah waxay soo diraan haddiyadaha - laga billaabo ubaxyada dhijitaalka ah, oo ku kacaya dhowr senti, ilaa libaaxyada farsamada ah oo qiimahoodu uu dhan yahay $500 - si loogu abaalmariyo. Muddo shan bil ah, BBC-du waxay daba socotay 30 akoon oo TikTok ah, kuwaas oo barnaamijyo si toos ah uga soo tebinayay xeryaha Suuriya ee ay ku nool yihiin dadka soo barakacay, waxayna BBC-du sameysay barnaamij kumbiyuutar si ay xogta ugu kala shaandheyso, taasoo muujinaysa in daawadeyaasha ay inta badan ku tabarruci jireen haddiyado dhijitaal ah oo qiimahoodu uu dhan yahay $1,000 saacaddiiba akoon kasta. Qoysaska ku jira xeryaha ayaa sheegay in ay heleen qayb yar oo ka mid ah lacagahan, si kastaba ha ahaatee, iyadoo TikTok uu diiday inuu sheego inta ay ka qaadato haddiyadaha, BBC-du waxay samaysay tijaabo si ay ula socoto halka ay lacagtu ku baxdo. Weriye ku sugan Suuriya ayaa la xiriiray mid ka mid ah hay’adaha xiriirka la leh TikTok, isagoo sheegay in uu ku nool yahay xeryaha. Waxa uu helay akoon uu si toos ah ugu soo galo, halka shaqaalaha BBC ee London ay u soo direen haddiyado TikTok ah oo qiimahoodu dhan yahay $106 akoon kale. Dhammaadkii barnaamijka toos-ka ah, akoonka tijaabada Suuriya waxaa ku haray lacag dhan $33. TikTok waxay qaadatay 69% qiimaha haddiyadaha." https://www.bbc.com/somali/articles/c3gz7z6rjgno +politics Ma dhab baa in Maraykanku doonayo inuu Cabbaas nin kale ku bedelo? "Maalmihii u dambeeyey waxa soo baxayey warar ay qaadaa dhigaysay warbaahintu oo tibaaxayey doorka uu ku leeyahay hogaamiyaha ka tirsan Ururka Xoraynta Falastiin ee la yidhaa Maxamed Daxlaan heshiisyada nabadeed ay kala saxeexdeen Israel iyo dalal Carbeed. Warbixinahaa qaarkood ayaa sidoo kale dhaliyey hadal hayn iyo falanqayn ku saabsan saamaynta doorkiisaa la sheegay uu ku yeelan karo mustaqbalka hogaanka Maamulka Falastiiniyiinta ee uu haatan madaxda ka yahay Madaxweyne Maxamuud Cabbaas. Waxa ka mid ah warbixinahaas muranka dheliyey warbixin uu qoray wargeyska Israel Hayom oo sheegtay suurta galnimada ah in Maxamuud Cabbaas jagada laga riixo, hase yeeshee uu wargeysku boggiisa internet-ka ka saaray markii ay maamulka Falastiiniyiinta iyo shacabkuba aad u dhaleeceeyeen. Trump oo shaaciyey heshiis nabadeed oo ay gaadheen Israel iyo Baxrayn Madaxweyne Erdogan oo si kulul uga hadlay heshiiska Imaaraatka iyo Israa'iil Wargeysku wuxuu warkaas u tiiriyey danjiraha Maraykanka u fadhiya Israel, David Friedman, oo uu sheegay inuu yidhi Maraykanku wuxuu ka baaraan degayaa inuu Madaxweynaha Falastiiniyiinta ku bedelo Maxamed Daxlaan. Waxaa khasab ku noqotay wargeyska inuu markii dambe sheego in weriyahooda Ariel Kahana uu khalad dhanka qoraalka ahi ka dhacay, waxaanu intaa ku daray in Washington aanay danaynayn in ay Cabbaas hogaanka ka wareejiso ama ay iyadu ka taliso dhismaha hogaanka Falastiiniyiinta. Sida lagu sheegay warbixintaa ahayd waraysi uu la yeeshay safiirka Maraykanka, wuxuu David Friedman dhaliilay hogaanka Falastiiniyiinta oo uu sheegay inuu u arko in aanay sidii ay ahayd ugu shaqaynayn shacabka Falastiin. Intii uu socday waraysiga wargeysku la yeeshay safiirka ayaa waxa la weydiiyey su'aal ahayd ""maadaama Daxlaan haatan degan yahay Imaaraadka ma ka fikiraysaan in aad taageertaan in Daxlaan noqdo Madaxweynaha Falastiiniyiinta ee dambe oo lagu bedelo Cabbaas?"" Shan qodob oo muhiim u ah heshiiska Israa'iil iyo khaliijka Waxaanu ku jawaabay Friedman, waa sida lagu baahiyey warbixintaa wargeyska intaan la bedelin hadalka e, ""anagu arintaas ayaanu ka baaraan degaynaa, laakiin ma doonayno in aanu qaabayno hogaanka Falastiiniyiinta."" Hase yeeshee markii dambe ayaa jariidaddu tiraabtaa bedeshay oo ay u dhigtay sidii diidmo oo kale oo ah ""anagu kama baaraan degayno arintaa"". Bedelidda qoraalkii ku soo baxay marka hore warbixinta wargeyska, ayaa sii kordhiyey hadal haynta ujeedada dhabta ah ee ka dambeysay hadalka danjiraha Maraykanka, gaar ahaan intii uu waraysigiisa ku dhaliilay siyaasadaha Maamulka Falastiiniyiinta. Maxamed Daxlaan ayaa se noqday qofkii ugu horeeyey ee warkaa ka falceliya, waxaanu qoraal uu barta uu Facebook ku leeyahay ku baahiyey ku beeniyey arintaas ah in lagu bedeli doono Maxamuud Cabbaas. Sidoo kale waxa uu warkaa wargeysku markii dambe ka noqday ku tilmaamay ""xarfad khiyaamo ah oo ujeedadeedu tahay in lagu argagax geliyo dadka Falastiiniyiinta ah oo gudahoodana khalkhal lagaga buuro."" Dhanka kale, madaxtooyada Falastiiniyiinta ayaa soo saartay warbixin ay ku cambaaraynayso warkaa laga sheegay danjire Friedman intaan la bedelin, waxaanay ku nuuxnuuxsatay in ""shacabka Falastiin isagu yahay cidda doorata hogaankiisa"". Waxay sidoo kale ku tilmaantay hadalkaa Friedman ""mid ka arradan siyaasadda oo muujinaya heerka uu gaadhay qabka iyo isla weynida maamulka Maraykanka ee Trump hogaamiyo ee ku aaddan xuquuqda sharciga ah ee waddaninimo ee shacabka Falastiiniyiinta iyo hogaankiisa uu doortay""." https://www.bbc.com/somali/war-54216777 +entertainment Deepika Padukone: Atirisho Hindi ah oo booqatay meel aan laga fileyn "Atirishada caanka ah ee Deepika Padukone ayaa fiidkii Talaadada si lama filaan ah uga soo dhex muuqatay jaamacad ku taal Delhi oo ay maalmo ka hor hareeyeen rabshado xooggan. Padukone ayaa taageero u muujisay ardayda jaamacadda Jawaharlal Nehru (JNU) oo weerar argagax leh kala kulmay koox arday ah oo lala xiriiray xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP). Wax hadal ah kama aanay jeedin goobta. Durbadiiba waxaa baraha bulshada qabsaday hadal haynta atirishadaasi, iyadoo taageerayaasheeda iyo ardayda jaamacadaas ay bogaadiyeen ""taageeradeeda geesinimada leh"". Xitaa qaar ka mid ah dadka dhaliisan aflaanta Bollywood ayaa sheegay inay daawan doonaan filimkeeda cusub ee ay uga hadleyso dhibbanayaasha weerarrada aashitada. Dhanka kale waxaa si weyn u dhaliilay taageerayaasha dowladda Modi, kuwaas oo ku tilmaamay tallaabo ay taageero ugu raadinayso filimkeeda cusub. Waxaa xoogeystay laba olole oo is diiddan kuwaasoo ku aaddan Padukone iyo filimkeeda cusub. Muranka ka dhashay booqashada Padukone ayaa ah wax la fahmi karo. Atirishadan oo 34 sano jir ah, isla markaana jishay in ka badan 30 filim ayaa magac weyn ku leh Bollywood. 26 milyan oo qof ayaa ku xiran barteeda Twitter, halka 42 milyan oo qof ay ku leedahay Instagram. Sannadkii 2016-kii, jariiradda Forbes ayaa shaacisay in Padukone ay tahay atirishada 10-aad ee ugu mushaarka badan caalamka. Sannadkii xigeyna, iyada iyo seygeeda jilaaga ah ee Ranveer Singh ayaa helay mushaar dhan 21 milyan oo dollar. In muddo ah, Padukone ayaa looga bartay inay ka hadasho arrimaha xasaasiga ah. Waxay si daah-furan uga hadashay dhibaatada uu ku hayo xanuunka maskaxda. Bilo kadibna waxa ay magaalada Davos uga qeybgashay shir ay uga hadashay hawlaheeda ku aaddan wacyigelinta xanuunka dhimirka. Booqashada Padukone ay ku tagtay jaamacadda JNU, waxay ahayd lama filaan. Jilayaasha Bollywood ayaa looga bartay in aanay ka hadlin arrimaha siyaasadda. Dowladihii hore, gaar ahaan kuwii uu hogaaminayay xisbiga garabka midig ee Shiv Sena ayaa si shaac baxsan ugu hanjabay jilayaasha sameeya aflaanta aanay jeclaysan. Haddaba, ma la oron karaa ficilka Padukone waa mid muujinaya isbedel? Ma laga yaabaa inay dhiirageliso jilayaasha kale oo ay difaacaan? Mudaharaadyada ay wadaan ardayda ee ka dhanka ah dowladda Modi ayaa micno gaar ah leh maadaama ay hogaaminayaan dad u dhaq-dhaqaaqa bulshada rayidka ah. ""Dhab ahaantii Padukone waxa ay ku guulaysatay kalsoonida dhaq-dhaqaaqaasu. Marka tegitaankeeda JNU waa mid muhiim ah,"" ayuu yiri Shiv Visvanathan oo ah cilmi-baare arimaha bulshada ah. Padukone oo keliya ma aha ee waxaa jira dad magac ku leh Bollywood oo dhaliilay siyaasadaha Modi. Tiro kamid ah hablaha jilaayaasha da'da yar ah ayaa ka qeyb qaatay dibedbaxyada ka dhanka ah sharciga cusub ee muwaadinnimada iyo weerarka loo geystay jaamacadda JNU. Padukone ayaa inta aanay gaarin jaamacadda waxa ay weriyayaasha u sheegtay inay ""dhibsatay"" waxa halkaa ka socda." https://www.bbc.com/somali/war-51059940 +entertainment Hindiya: Atoorihii ay quruxdiisa u keentay khasaaraha "Waxaa la sheegaa in Shashi Kapoor uu ahaa atoorihii ugu quruxda badnaa ee taariikhda filimada Hindiya soo maray xilligiisa. Atariishada caanka ah ee howl gabka noqotay, Sharmila Tagore, ayaa wali xasuusata mar uu Shashi Kapoor u imaan jiray si uu ula kulmo walaalkeed Shammi Kapoor, xilli la jilayay filimka 'Kashmir Ki Kali'. Waxay tidhi: ""Waxaan ahaa 18 jir. Anigoo isla hadlaya ayaan dhahay, 'Alla rabiyoow, waa kan Shashi Kapoor.' Waan yaabay markii aan arkay. Shaqadii jilitaanka waan qaban waayay, ilaa markii dambe uu agaasimihii na hagayay, Shakti Samanta, ku khasbanaaday in uu Shashi Kapoor ka codsado inuu ka tago meesha wax lagu jilayay."" Atariishadii mar caanka ahaan jirtay ee u dhalatay Talyaaniga, Gina Lollobrigida, ayaa sidoo kale la fajacday quruxdii Shashi Kapoor. Agaasimihii hagista filimada ee caanka ahaa, Ismail Merchant, ayaa buugiisa taariikhda,'Passage to India', oo uu ku qoray qisada filimka Shashi Kapoor ee 'Shakespearewala' waxaa lagu soo bandhigay Bandhigga filimada ee Berlin. Shashi Kapoor qudhiisa halkaas ayuu joogay markaas. Hal galab ayay isaga, atariishadiisii la oran jiray Madhur Jaffrey iyo Gina Lollobrigida isla soo fuuleen wiishka dabaqa iyagoo aan ku talogaleynin. Sida uu sheegay Ismail Merchant, ""Gina way jeclaatay markii ay aragtay Shashi."" Ismail Merchant waxa uu qoray, ""in subaxdii xigtay ay ubaxyo u direen Shashi. Balse waxay si khalad ah ugu maleeyeen in Shashi magaciisa uu yahay Madhur, sidaas awgeedna ubaxyadii waxaa loo geeyay Madhur Jaffrey. Gina waxay u maleysay in uu ka diiday haasaawe. Ma ahayn arrin ay uga baratay ragga, sidaas darteedna maalintii ugu dambeysay ee bandhig faneedka ayay Shashi waydiisay sababta uu uga soo jawaabi waayay farriinta ay u raacisay ubaxyada. Markaas ayaa la ogaaday in ubaxyadii Gina aysan gaarin Shashi. Shashi Kapoor ""aad buu uga niyad jabay in magaciisa oo la khalday awgiis uu ku waayay fursadda sidaas u fiican"". Shashi Kapoor iyo ciyaartoyga caanka ah ee Cricket-ka Hindiya, Farooq Engineer waxay hal fasal kasoo wada dhigteen iskuulka Don Bosco ee ku yaalla magaalada Mumbai. Maalin maalmaha ka mid ah, iyagoo is garab fadhiya oo sheekeysanaya ayay macallimaddii kusoo tuurtay tirtire alwaax ku sameysan yahay, waxayna wajiga uga soo toosisay Shashi Kapoor. Engineer ayaa isagoo dhacdadaas ka sheekeynaya yidhi: ""Waxaan qabtay tirtiraha isagoo wax yar u jira inuu indhaha uga dhaco Shashi. Wajiga Shashi aad buu u qurux badnaa. Waxaan kula kaftami jiray waagii dambe inaan maalintaas ka qabtay tirtiraha alwaaxa ah, haddii aanan qaban lahaynna uu filimada ku jili lahaa oo kaliya doorka burcadnimada."" Shashi Kapoor dumaashidiis, Felicity Kendall, ayaa buuggeeda taariikhda ee 'White Cargo' ku qortay, ""Waligey ma arkin qof ka hadal qurxoon Shashi Kapoor. Qof kaftankiisa ka badbaadi jiray malaha. Wuxuu ahaa nin aad u dhuuban balse indhihiisu ay waaweyn yihiin. Timihiisa badan ayuu qof walba ka heli jiray. Lamaba soo hadal qaadi karo ilkihiisa cad caddaa iyo tushta uu dhabanka ku lahaa! Wuxuu ahaa nin guuleystay."" Shabana Azmi ayaa aaminsan in Shashi Kapoor uu dhibaato badan kala kulmay quruxda uu lahaa. Waxay tidhi: ""Run ahaantii, aragtida ninkan soo jiidashada aan caadiga ahayn leh, dadku waxau hilmaamaan sida uu xitaa u ahaan jiray atoore aad u wanaagsan."" Shyam Benegal ayaa agaasime ka ahaa filimkii Shashi Kapoor ee lagu magacaabay Junoon and Kalyug. Waxa uu yidhi: ""Shashi waxa uu ahaa atoori qayrul caadi ah, balse filimada uma uusan heli jirin sida Amitabh Bachchan, kuwaasoo ahaa filimo uu ka heli karay xiddignimo iyo magac weyn oo dhanka jilitaanka ah. Waxaa mar walba loo arki jiray inuu yahay atoore ku fiican jacayl oo keliya. Dadku waxay fiirinayeen oo keliya wajigiisa, howsha kale ee uu qabanayo waxaa qof walba ka mashquulinaya wajigiisa. Ma jirin jilaa sidaas oo kale u qurux badan oo waqtigaas soo maray taariikhda filimada ee Hindiya. Taas darteed ayayna xirfaddiisa jilitaanka dib ugu dhacday, mana uusan noqonin xiddig augu caansan,"" Filim agaasimaha caanka ah ee lagu magacaabo Kumar Shahani ayaa isagana yidhi: ""Agaasimeyaasha Hindiya si buuxda ugama aysan faa'iideysanin Shashi Kapoor. Shashi Kapoor laftiisana ma uusan lahayn wajiga indha adegga ee atooreyaasha horumarka gaarsiiya."" Shashi Kapoor waxa uu masraxa Prithvi kala shaqeyn jiray aabihiis Prithviraj Kapoor, intii u dhaxeysay 1953-kii ilaa 1960-kii. Waqtigaas waxa uu la kulmay haweeney lagu magacaabi jiray Jennifer Kendall. Waxay ka weyneyd afar sano. Jennifer aabeheed ma uusan taageerin xiriirkooda. Shashi Kapoor dumaashidiis iyo Shammi Kapoor xaaskiisa Geeta Bali ayaa door muhiim ah ka qaatay in Shashi uu guursado Jennifer. Xilligaas Jennifer waxay ku nooleyd magaalada Hyderabad, halka Shashi Kapoor uu dagganaa Mumbai. Marka uu Shammi arkay Shashi oo murugsan ayuu weydiiyay waxa uu la murugsan yahay iyo cidda uu u xiisay. Marka uu la sheekeysto ayuu siiyay Rs 100. Markaas tigidhka diyaaradda waxa uu ahaa Rs 70. Shashi islamarkiiba wuxuu lacagtii ku iibsaday tigidh uu ugu duulo Hyderabad. Shammi Kapoor iyo Geeta Bali ayaa Shashi ku dhiirrigeliyay inuu Jennifer geeyo Mumbai, uuna baro walaidiintiisa. Shashi Kapoor waxa uu buuggiisa 'Prithviwalas', ku qoray ""Uma kaxeynin Jennifer waalidiinteyda, waxaanse u kaxeeyay Shammi Kapoor iyo Geeta Bali. Waxay na siin jirtay gaarigeeda iyo xoogaa lacag ah oo aan kusoo damaashaadno. Waxaan soo cuni jirnay raashin iyo cabitaan. Kaddib, codsi iga yimid awgiis, Shammi wuxuu arrinteenna kala hadlay waalidiinteenna. Way na aqbaleen."" Maalintii uu Shashi guursanayay Jennifer, waxa uu filimka 'Mughal-e-Azam' kusoo duubayay Jaipur. Agaasimaha filimkaas, K. Asif, ayaa u suurtageliyay in uu soo raaco diyaarad nooceedu yahay Dakota. Islamarkii uu arooska dhammaaday, Prithviraj wuxuu dib ugu laabtay Jaipur isagoo raacay isla diyaaraddii. Waqtigaas, xilli habeennimo ah laguma dagi karin garoonka Jaipur, markii uu waagii baryay ayay diyaaradda cago dhigatay Jaipur, Prithviraj wuxuu toos usii galay duubitaanka. Kaddib markii ay Jennifer Kapoor geeriyootay 1984-kii, Shashi Kapoor rajadii uu ka qabay nolosha sidaas ayay ku dhammaatay. Dhimashada xaaskiisa kaddib waxaa billowday in uu miisaan badan fuulo jirkiisa, sidaas ayuuna kusii socday. Dhowr sano kaddib, wuxuu u ekaaday ciyaartoyda aadka u cayilan ee feerka ku tartama. Wuxuu iska dhaafay inuu guriga ku noolaado. Cayilka iyo miisaanka badan dartood, jilbaha ayuu ka fariistay. Maalin ay soo wacday dumaahsidiis, Neela Devi, Shashi Kapoor wuxuu weydiiyay qofka uu usii noolaanayo. Saaxiibkiisii hore, oo sidoo kale ahaa agaasime filim, James Ivory, ayaa yidhi: ""Shashi Kapoor cayilku wuxuu u ahaa hab uu ugu baroor diiqayay xaaskiisa dhimatay"". Xasuustii Shashi way sii socotay ilaa maalmihii ugu dambeeyay noloshiisa. Markii ay atariishada lagu magacaabo Simi Garewal ku aragtay isagoo kursiga curyaamiinta ku fadhiya oo munaasabad jooga, xagiisa ayay usoo dhaqaaqday. Shashi gabadhiisa Sanjana ayaa inta aysan gaarin uga digtay in aabeheed uu ku dhacay baralis ka naafeeyay qayb ka mid ah jirka. Waxay u sheegtay in sidoo kale uu ku dhacay wadne xanuun. Waxay u sheegtay in aysan ka xumaanin haddii uu aqoonsan waayo. Sidaasoo ay tahay, Simi way tagtay hortiisa. Dhulka ayay jilbaha dhigatay waxayna eegtay wajigiisa. Shashi Kapoor indhaha ayuu kor u qaaday, wuxuuna ku yidhi Simi Garewal, 'Hello Simi.' Simi hab ayay siisay Shashi Kapoor, iyadoo aad u faraxsan. Shashi wuxuu geeriyooday 4-tii bishii December ee sanadkii 2017-kii." https://www.bbc.com/somali/war-60811091 +politics Kashmir: Doog laba maroodi ku dul hirdamayaan "Sannadkan 2019 wuxuu ahaa mid xiisado siyaasadeed ka qarxeen gobolka Kashmir ee ku yaal buuraleyda Himilaya ee ay isku haystaan Pakistan iyo Hindiya. Waxay xaaladdu ka sii dartay bishii Ogost markii xukuumadda India ay wax ka bedeshay sharcigii qaybta ay ka taliso ee Kashmir oo ay gobolkaa ka dhigtay qayb si buuxda uga mid ah dalka ee ay dunida ka fajicisay. laakiin Kashmir waa gobol dhibaatooyinka la qabsaday. Hindiya iyo Pakistan, saddex goor bay ku dagaalameen tan iyo markii ay gobannimada ka qaateen gumaystihii Ingiriiska 1947. Pakistan na waxay taageertaa koox Islaamiyiin ah oo mudaba gobolka ka dagaalamaysay tan iyo 1980 waxaana ku dhintay 70,000 oo qof iyo dheeraad. Sannadkani wuxu ku bilaabmay weerarro lala xidhiidhiyey ururuka mitidka ah ee Pakistan taageerto ee la yidhaa Jaish-e-Muxammed (JeM). Bishii Feeberweri ayaa inan 22 jir ah oo ku noolaan jiray degmada Pulwama, laakiin la la'aa muddo sannad ah, wuxuu baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey ku qarxiyey kolonyo miltari ah waxaanu ku dilay in ka badan 40 askari oo Hindi ah isna wuu ku dhintay. Ururka JeM ayaa isla markiiba sheegatay masuuliyadda weerarkaas oo waxay muuqaal laga duubay ninkii is qarxiyey ku baahiyeen internet-ka. Weerarka Pulwama wuxuu keenay in markii ugu horraysay ay Hindiya weerar ku qaado goob xadkeeda ka baxsan oo gudaha Pakistan ah, tan iyo dagaalkii labada dal dhex maray ee 1971. Bishii Feeberweri, ayaa diyaaradaha dagaalka ee Hindiya duqeeyeen gobolka Balakot oo Hindiya ku sheegtay in ay ku taal goob ay ku tabobartaan JeM. Hase ahaatee, xukuumadda Islamabad si dhakhso ah ayay ugu celisay duuliyihii ay ka qabatay Hindiya, waxaanay ku sheegta inay ""niyad wanaag"" ku muujinayso, laakiiin dad badan oo reer Pakistan ah ayaa u arkayey in ay ahayd isku day lagaga hor tagayey in xaaladdu sii cakiranto, maadaama aan milatariga dalku diyaar u ahayn dagaal. Dhanka kale ra'iisal wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, oo ah nin wadaniyadda Hindu-gu madax martay oo siyaasadiisu garabka midig tahay, ayaa u adeegsaday weerarradii Pulwama iyo Balakot labadaba, si uu taageero ugu helo doorasho soo dhawayd waxaanu ku guulaystay aqlabiyadda doorashadii sadex bilood ka dib dhacday. Talaabadii uu bishii Ogost ku laalay ismaamul hoosaadkii Kashmir ayaa ka dhalatay guushaa uu gaadhay waxaanu baarlamanka kaga helay aqlabiyad aan la loodin karin. Afhayeenka milatariga dalka ayaa sheegay in ciidamada Pakistan ee xuduuda jooga, mooraalkoodu aad u sareeyo waxaanu warbaahinta ka sii daayey booqasho ay taliyeyaal sarsare ugu tageen ciidamada jooga halka ay isku hor fadhiyaan Hindiya iyo Pakistan. Ka hor xorriyaddii Hindiya 1947, Kashmir wuxuu ahaa gobol ay aqlabiyadiisa yihiin Muslimiinta laakiin waxaa xukumi jiray amiir Hindu ah. Markii Hindiya la kala qaybiyey ee dalka Muslimka ah ee Pakistan la sameeyey, amiirkii gobolkaa xukumayey wuu ka cagojiiday inuu dhinacna raaco, waxaanu door bidayey inuu xorriyad helo. Dagaalkii ugu horreeyey wuxu bilaabmay markii Pakistan ciidan beeleedyo ay daba fadhidaa ay isku dayeen in ay ridaan amiirkii. Markii laga itaal roonaaday ayuu Amiirkii heshiis la galay Hindiya oo ah inuu ku biiray. Hindiya oo waagaa uu xukumayey xisbiga cilmaaniga ah oo siyaasadiisu bidix dhexe tahay ee Congress Party, heshiiskii Amiirka iskuma halayn laakiin Juun 1948 ayay Qaramada Midoobay u gudbisay codsi ah in afti dadka laga qaado si ay reer Kashmir codkooda uga dhiibtaan saddex qodob oo ku jiray heshiiskii la gaadhay 1947. Laakiin colaaddii labada dal dhex taalay ayaa suurto gelin weyday in ay ku heshiiyaan labada dal qodobada aftida lagu qaadayo. Hindiya waxa ka hanoqaaday dimuqraadiyadda baarlamaaniga ah halka Pakistan xukunkii gacanta uu u galay milatariga oo taasi cawaaqib xun ku yeelatay khilaafkii Kashmir. Dr Nazir Gilani oo ah qareen reer Kashmir ah oo madax u ah urur u ololeeya xuquuqda Kashmir oo fadhigiisu yahay UK, ayaa ku eedeeyey hoggaanka Pakistan in ay wiiqayso fursadaha ay Qaramada Midoobay qaraar kaga soo saari karto arrinta, sababtuna tahay in aanay fahamsanayn ""sharciyada khuseeya arinta Kashmir"" Laakiin dad kale waxay leeyihiin in maamulka Pakistan uu iska dhaadhiciyey xalka keliya ee la aqbali karaa inuu yahay Kashmir oo Pakistan ka mid noqota. Aragtida Islaamnimada ku salaysan ee wadaniyadda dalkaas waxay sidoo kale aanay is qaadanayey aragtida ah in dadka Kashmir loo ogolaado in ay madaxbannaani ku dhisan wadaniyad cilmaani ah qaataan. Su'aashu waxay hadaba tahay sidee sannadka dambe ee 2020 u noqon doonaa Hindiya, Pakistan iyo dadka reer Kashmir? Zulfiqar Ali wuxuu qabaa in ""dadka Kashmir ay garowsadeen in aanay hadda ka dib quwad shisheeye sugin si ay xorriyadooda u helaan. waxa kale oo jira ayuu yidhi in ay dareemeen in dhaqdhaqaaqa xorriyad doonku noqdo mid gebi ahaan tiiba ay dadka gobolku wadaan keligood oo aan dagaal ahayn""." https://www.bbc.com/somali/war-50900407 +politics Maalqabeen asal ahaan Hindi ah oo doonaya inuu noqdo Madaxweynaha Maraykanka "Laba kamid ah saddexda siyaasi ee shaaciyay in ay doonayaan in tikidhka xisbiga Jamhuuriga ay ugu tartamaan madaxtinimada Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Hindiya. Inkastoo Nikki Haley ay tahay siyaasi magac weyn leh, ayaa waxaa si aan la fileyn tartanka ugu soo biiray Vivek Ramaswamy oo ku cusub masraxa siyaasadda. Weriye Savita Patel oo ka shaqeysa California ayaa eegaysa fursadaha uu haysto Ramaswamy iyo isbedalka uu keeni karo. Ramaswamy oo ah maalqaabeen iyo qoraa ayaa 21-kii February waxa uu telefishinka Fox News ka shaaciyay inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada Maraykanka. Waxa uu sheegay inuu doonayo “dhaq-dhaqaaq cusub oo ku aaddan riyada Maraykanka, kaasoo lagu saleeyay gaaridda heerka ugu sarreeya.” 37 jirkan ayaa ku dhashay Ohio, waxaana uu wax ka bartay jaamacadaha Harvard iyo Yale, isagoo dhaqaalo badan ka sameeyay culuunta biotechnology iyo shirkad maamusha hantida. Waxa uu aad u dhaliilay dareenka cunsuriyad diidka ah ee shirkadaha waaweyn oo u uku tilmaamay arrin dhibaato ku ah ganacsiga. Waxa uu sidoo kale aad uga soo horjeedaa ku tiirsanaanta dhaqaale ee uu Maraykanka ku tiirsan yahay Shiinaha. Waxaa feker nooc ah la qaba Vikram Mansharamani oo doorashadii 2022 xisbiga Jamhuuriga ugu tartamay kursiga senate-ka gobolka New Hampshire. Mansharamani oo dhawaan Ramaswamy la kulmay ayaa ku tilmaamay “nin aragti fog oo mideyn kara Maraykanka.” Hase yeeshee waxaa jira siyaasiyiin Hindi-Ameerikaan ah oo aan fekerkaas la qabin Ramaswamy, kuwaas oo ku tilmaamay ololihiisa mid aan si qoto dheer looga fekerin. Shekar Narasimhan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in inkastoo uu ku faraxsan yahay in Eeshiyaan badan ay ku soo biirayaan siyaasadda Maraykanka, haddana aanu ku qancin fekeradaha Ramaswamy. “Waa nin ganacsade ah, balse ma aanu soo bandhigin siyaasadihiisa ku aaddan arrimaha muhiimka ah, sida daryeelka dadka da’da ah, dhaqaalaha u uku bixin doono kaabayaasha,” ayuu yiri Narasimhan. Qaar badan oo kamid ah bulshada Eeshiyaanka ah ee taabacsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee ay maqlaan Ramaswamy ay ahayd markii uu shaaciyay inuu u tartamayo xilka madaxweynaha. “Hadda ka hor ma maqal magaciisa. Waxaa la ii sheegay inuu yahay maalqabeen hadal yaqaan ah. Waxa uu kamid noqon doonaa musharraxiinta badan. Fursad uma furna,” ayuu yiri Dr Sampat Shivangi oo si weyn looga dhex yaqaanno xisbiga. Waxaa se feker kaa ka duwan qaba Danny Gaekwad oo u ololeeyay dhammaan musharraxiintii Jamhuuriga ee u tartamayay aqalka cad laga soo billaabo George W Bush. ""Haddii [Ramaswamy] uu xilli hore ku soo biiri lahaa tartanka, waxa uu xilligan ahaan lahaa mid la bartay,” ayuu yiri Gaekwad. Waa ay adag tahay in la saadaaliyo siyaasiyiinta isugu soo hari doona tartanka musharraxnimada Jamhuuriga, iyadoo laga dhur-sugayo barasaabka Florida, Ron DeSantis oo aan weli shaacin musharraxnimadiisa. Trump ayaa kal hore sheegay inuu doonayo in mar labaad loo doorto hoggaaminta Maraykanka. Dadka ka faallooda siyaasadda Maraykanka ayaa tilmaamaya in loolanka ugu adag uu dhexmari karo Mr Trump, Mr DeSantis iyo Ms Haley, waxaa se aan la ogeyn sida uu madaxweynaha hore uga badbaadi karo kiisaska maxkamadeed ee uu wajihi karo. Si kastaba, bulshada Hindi Ameerikaanka ah ayaa ku qanacsan in Maraykanka ay ku yeeshaan siyaasiyiin badan oo muuqda, isla markaana ay xubno kamid ah u tartamayaan xilalka ugu sarreeya waddankaas." https://www.bbc.com/somali/articles/cpwj7p26eqeo +business Dekadda Berbera halkey uga jirtaa kaalmaha dekadaha caalamka? "Dekadda Berbera ayaa kaalinta 165 ka gashay xagga maamulka dakadaha caalamka, sida ay tilmaameyso daraasad uu sameeyay Bangiga Adduunka sanaddii 2021-kii, balse sanadkan la daabacay. Bangiga Adduunka wuxuu qiimeynta ku sameeyay 370 dakadood oo daafaha caalamka ku kala yaalla. Berbera sidoo kale waxay kaalinta 171-aad ka gashay xagga baaxadda iyada ka mid ah dekadaha ugu weyn ee ku yaalla waddammada saxaraha Afrika ka hooseeya. Labada dakadood ee kaalmaha ugu horreeya ka galay xagga tayada, maamulka iyo adeeg bixinta waxay noqdeen dakadda Boqor Cabdalla ee Sacuudi Carabiya, waxaa kaalinta labaad ku jirta dakadda Salalah ee dalka Cummaan, Kaalinta Seddexaadna waxaa gashay dekadda Xammad ee dalka Qadar. Dekadaha Yangshan ee Shiinaha iyo dekadda Khaliifa ee Isutagga Imaaradaka waxay soo galeen kaalinta shanaad. Halka kaalmaha ugu hooseeyana ay galeen dakadda Durban ee dalka Koonfur Afrika. Xagga dhammeystirnaanta qalabka dekadaha Koonfur Afrika ay ku shaqeeyaanna waxay dakadaha caalamka ka galeen kaalinta 312-aad. Daraasadda waxaa lagu sheegay in dakadaha caalamka tayadooda ay ku sameysay iney qaadatay ku dhawaad 12 bilood. Dekadaha kale ee qaaradda Afrika laga xusay waxaa ka mid ah dakadda Maputo oo kaalinta 321-aad gashay, Walivis Bay oo kaalinta 328-aad gashay iyo Launde oo kaalinta 366-aad gashay. Halka dakadda ugu dambeysay ee kaalinta 370-aad ka gashay dekadaha adduunka ay noqotay dekadda Beira ee dalka Mozambique. Dekadda Berbera Dekadda Berbera markii ballaadhinta loo sameeyey kaddib waxay ku jirtaa dakadaha ugu waaweyn ee ku yaalla geeska Afrika . Wajiga Koobaad ee ballaadhinta waxaa gacanta ku hayay shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World. DP World waa mid ka mid shirkadda xuduudaha ka gudbay oo laga leeyahay dalka Imaaraadka oo ka shaqaysaa dekadaha, keenista iyo qaadista badeedcadaha. Heshiiska dekedda Berbera ee DP World ayaa abuuray muran fara badan waagii la hirgelinayey. Maxaa lagu kordhiyay dekadda Berbera Heshiiska markaas la ansixiyay meelna kagama xusnayn saamiga Itoobiya ay leedahay, dib ayayna kasoo baxday 19% -ka saamiga ah oo la sheegay in 14% ka mid ah ay ka iibisay shirkadda DP World, 5%-ta kalena ay ka iibisay Somaliland. ""Dhinaca Itoobiya, markasta si qaldan ayaa loogu celceliyaa, dadka in ay wax fahmaan ayaa fiican, DP World iyo Somaliland ayaa heshiiska wada galay, kadibna DP World ayaa saamigeedii ka gadday Itoobiya, marka labada dhinac ee jira ee asal ahaan heshiiyay waa Somaliland iyo DP World, haddii markaas DP World uu heshiiskeeda sharci noqdo, markaas ayuu kan Itoobiyana sharci noqonayaa, haddii uusan noqon waayana Itoobiya jid u furan maba lahan"" ayuu yiri Abukaate Sakariye Cabdullaahi oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Geeska Afrika darsa. Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, ayay dekada Berbera noqonaysaa tan kaliya ee ay Itoobiya saami ku leedahay." https://www.bbc.com/somali/articles/cn02zqzy7y0o +politics Waa tuma Liz Truss? Hayaankii Siyaasadeed ee Raysal wasaarihii ugu muddada gaabnaa UK "Afartan iyo afar cisho oo ay ahayd raysal wasaare, Liz Truss waxay maanta ku dhawaaqday in ay xilka ka dageyso. Ilaa iyo hadda waa raysal wasaarihii ugu waqtiga gaabnaa ee UK, soo mara, George Canning ayaa xafiiska ku geeriyooday isagoo xilka hayay 119-maalmood  bishii Ogoosto sanadkii 1827. Waxay badashay raysal wasaarihii iyada ka horeyay ee Boris Johnson, kadib markii ay  ka adkaatay ninkii la tartamayay Rishi Sunak. Labo maalmood kadib, waxaa geeriyootay boqorad Elizabeth II, dalkuna wuxuu galay waqti baroordiiq ah arrimihii siyaasaddana waa la hakiyay. Laakiin dhamaadkii  toddobaadka oo ka bilaabmay aaska boqorada, waxaa bilowday qalalaase siyaasadeed oo ka abuurmay dhimista canshuuraha oo uu ku dhawaaqay wasiirkii maaliyadda Kwasi Kwarteng. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ahaa 45 bilyan oo giniga starliinka Ingiriiska, oo canshuur dhimis ah, taasoo kicisay suuqyada dhaqaalaha isla markaana keentay hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha giniga. Qorshuhu wuxuu ahaa in kor loo qaado dhaqaalaha oo wax laga qabto dhibaatooyinka saameyay bulshada. Laakiin sii socoshada qalalaasaha dhaqaale ayaa la macno ahayd in Bangiga England, uu qaado tallaabo uu uga gol lahaa sidii uu kor ugu qaadi lahaa qiimaha dammaanad qaadka dawladda, dawladda ayaa isla markiiba lagu qasbay in ay meesha ka saarto qorshayaasha lagu dhimayo heerka ugu sarreeya ee cashuurta - intii lagu guda jiray shir uu yeeshay xibsiga muxaafidka ah. Toddobaad ka hor inta aysan Ms Truss ku dhawaaqin in ay xilka ka degayso, waxa ay eriday Mr Kwarteng - oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen - waxaana lagu qasbay in ay aqbasho wax ka bedalidda inta ka hartay canshuur dhimista oo ay la socoto ajandaheeda dhaqaale. Si wax looga qabto tamarta ee kor u kacday, ra'iisul wasaaruhu waxa kale oo ay dejisay dammaanad qaadkeeda qiimaha tamarta si ay u xaddiddo kharashka gaaska iyo korontada ee bulshada. Isbed-badlkii qorshaha raysal wasaaraha laakin qorshahaas damaanaqaadka ahaa oo horey u ahaa laba sano, way bedashay oo waxay ku soo koobtay lix bilood. Wixii intaas ka dambeyna xaalkeedu wuu sii cakirmayay, waxaana soo badanayay baaqyada ku aaddan in ay is casisho. Taageeradeedii ka sii mid ahaanshiyaha Midowga Yurub ee Uk. ayaa dib ugu soo celisay inay tahay xubin muhiim u ah xisbiga muxaafidka ah. Waxay bilawday safarkeeda siyaasadeed iyadoo ah dhallinyaro ah. Ballanqaadkeeda ayaa ahaa inay ku soo soo celiso qiyamka aasaasiga ah ee xisbigeeda iyo dhimista cashuuraha. Rishi Sunak oo ah ninkii ay ka guulaysatay ayaa ka digay in barnaamijkeeda canshuur dhimista uu sii hurin doono sicir bararka oo uu kordhin doono qiimaha guryaha. Waxa uu kaga adkaaday dhammaan shantii wareeg ee codbixinta  xildhibaanada. Laakiin codbixintii xubnaha oo ahayd tan go’aaminasay guusha, ayaa Ms Truss waxay heshay 81,326 cod halka Sunak uu helay 60,399 oo cod. Waxaana la rumaysanyahay in ay Boris Johnson daacad u ahayd. Haddaba waa tuma Liz Truss? Mary Elizabeth Truss waa 47 jir ku dhalatay Oxford, isla markaana wax ku baratay jaamacadda Oxford. Waxay u dhaxdaa xisaabiye Hugh O'Leary, waxaana u jooga laba hablood. Markii ay todobo jir ahayd, Liz Truss waxay doorasho jilitaan ah oo ka dhacday iskuulkeeda ku matalaysay haweeneydii hoggaamin jirtay Britain ee Margaret Thatcher. Aabaheeda waxa uu ahaa macallin jaamacadeed oo dhigga maadaada xisaabta, halka hooyadeed ay ahayd kalkaaliso caafimaad. Qoyskeedu waxay u guureen Paisley, oo galbeed ka xigta Glasgow, markii Ms Truss ay ahayd afar jir. Qoyska Truss ayaa markii dambe u guuray Leeds, halkaas oo ay gashay iskuulka Roundhay, oo ah dugsi sare oo dawladeed. Waxay ka mid ahayd dadkii ka soo horjeeday go'aankii xukuumadda Thatcher ee ay ku ogolaatay in madaxyada nukliyeerka ee Maraykanka lagu rakibo RAF Greenham Common, galbeedka London. Liz Truss oo taageertay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub ayaa sanadihii dambe noqotay mid aad ugu dhaw garabka midig ee xisbiga Conservative-ka, kuwaas oo u ololeeyay bixitaanka UK. Markii hore waxa ay ka tirsanayd taageerayaasha xisbiga Liberal Democrat. Waxa ay isku tilmaantay inay qaadi doonto dhabbihii ra’iisal wasaarihii hore, Margaret Thatcher. Mid ka mid ah ardaydii ay isku fasalka ahaayeen ee Roundhay, oo diiday in magaciisa la sheego, ayaa BBC-da u sheegay: ""Runtii waxa uu ahaa dugsi aad u wanaagsan, runtii macalimiintu way na taageeri jireen in badan oo naga mid ah waxa ay aadeen jaamacado wanaagsan iyo shaqooyin wanaagsan."" In kasta oo aanu qayb ka ahayn kooxdii ay saaxiibada dhow ahayen, haddana waxa uu xusuusnyahay Truss oo da'da yar. ""Waxay ahayd mid aad u caqli badan,"" ayuu yiri, ""Waxaan xusuustaa safar aan ku tagay dugsiga Sellafield iyo iyada oo waydiinaysa su'aalo adag dadka. Waxaan xusuustaa arrintaas."" Waxay siinaysay ardayda hilib duban,”. “Waa qof taqaana waxa ay dooneyso iyo waxa aanay rabin,” ayuu yiri walaalkeeda Francis oo ka warramayay shakhsiyaddeeda. Maadooyinka Falsafadda, siyaasadda iyo dhaqaalaha ayay ka baratay jaamacadda Oxford. Mudadii ay dhiganaysay jaamacadda Oxford, waxa ay ka qeyb qaadatay ololayaal badan, si gaar ahna u khuseeyay arrimaha siyaasadda. Markii dambe waxa ay noqotay hogaamiyaha ardayda Liberal Democrats ee jaamacaddaas. Kulan uu xisbiga Liberal Democrats yeeshay Brighton sanadkii 1994, ayaa waxa ay taageertay olole meesha looga saari rabay boqortooyada UK. Waxa ay ku doodday “Ka Liberal Democrats waxaan rumaysannahay in fursado siman ay helaan dadka oo dhan. Ma aaminsanin inay jiraan dad ku dhasha xukunka.” Kadib markii ay ka qalin jebisay jaamacadda, waxa ay xisaabiye ka noqotay shirkadda Shell, and Cable & Wireless, halkaas oo ay isku barteen seygeeda Hugh O'Leary. Waxay aqal galeen sanadkii 2000. Ms Truss ayaa doorashadii guud ee 2001 u tartantay xildhibaanka Hemsworth, iyadoo u sharraxnayd xisbiga Conservative-ka, balse waa laga guulaystay. Markale ayay 2005 isu sharraxday xildhibaanka Calder Valley, hase yeeshee ma aanay guulaysan. Hase yeeshee sanadkii xigay ayaa waxaa loo doortay golaha deegaanka Greenwich ee koonfur bari London. Hogaamiyihii xisbiga Conservative-ka David Cameron ayaa sanadkii 2010 Ms Truss u xushay inay u tartanto kursiga baarlamaanka ee Koonfur Galbeed Norfolk, kaasoo aan ka bixin gacanta xisbigaas. Inkastoo ay cadaadis xooggan kala kulantay maqaawiirta xisbiga ee deegaankaas, ayaa haddana waxa ay codad badan ku heshay guusha doorashadaas. Sanadkii 2012 ayaa waxa ay markii ugu horreysay kamid noqotay xukuumadda, iyadoo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, laba sano kadibna waxaa loo dallacsiiyay xoghayaha deegaanka ee UK. Sanadkii 2021 ayaa iyada oo 46 jir ah waxa ay kamid noqotay wasiiradda ugu awoodda badan xukuumadda, waxaana loo magacaabay xoghayaha arrimaha dibedda, iyadoo xilkaa kala wareegtay Dominic Raab. Xilligii Theresa May ee ay ahayd ra'iisul wasaaraha, waxay nooqtay xoghaye cadaaladeed, laakiin waxay la kulantay dhowr isku dhacyo xoaggan ah oo ay la gashay garsoorka. Markii Boris Johnson uu noqday ra'iisul wasaare 2019-kii, Truss waxaa loo wareejiyay xoghayaha ganacsiga caalamiga ah - taas oo macnaheedu ahaa inay la kulanto hogaamiyaasha siyaasadda iyo ganacsatada caalamiga ah si kor loogu qaado howlaha dhaqaalaha. Waxa ay qabatay hawlo ay kamid yihiin wax ka bedalidda heshiiskii ka bixitaanka Midowga Yurub gaar ahaan arrinta xuduudda Waqooyiga Ireland, taasoo ka caraysiisay madaxda Brussels. Waxa ay ka shaqeysay sii deynta laba muwaadin oo haysata dhalashada Britain balse ka soo jeeda Iran, kuwaas oo u xirnaa xukuumadda Tehran. Markii uu Ruushka ku duulay Ukraine, waxa ay kamid ahayd siyaasiyiinta sida weyn u garab istaagay xukuumadda Kyiv, iyadoo ku doodday in ciidamada Putin gebi ahaanba laga xoreeyo dalkaas. Waxaa se lagu dhaliilay inay taageertay dadka ka tegaya UK ee doonaya inay u dagaallamaan dowladda Ukraine." https://www.bbc.com/somali/articles/cgxv7q34ggeo +technology "Facebook iyo Twitter oo masaxay macluumaad ""khaldan"" oo uu Trump daabacay" "Shirkadaha baraha bulshada ee Facebook iyo Twitter ayaa tallaaba ka qaaday madaxweynaha Mareykanka kadib markii uu baraha bulshada soo dhigay muuqaal la xiriira wareysi uu siiyay telefishenka Fox News oo uu ku sheegay ""in caruurta uusan karin feyraska corona"". Facebook ayaa tirtay qeyb kamid ah muuqaalka wareysiga, waxayna arrintaas ku sababeysay marin habaabin khatar oo dhanka cudurka Covid19. Tallaabo taas lamid ah ayaa waxaa qaaday Twitter oo sheegtay inay xanibtay dhowr akoon oo lala xiriirinayo Trump, xanibadaasina ay sii jiri doonta ilaa iyo inta ay ka saarayaan macluumaadka ""khaldan"" ee ay soo geliyeen. Hey'adaha caafimmaadka dadweynaha ee dalka Mareykanka ayaa horay u sheegay in aysan jirin caddeymo muujinaya in caruurta ay iska difaaci karaan cudurka safmarka ah. Maxay Facebook iyo Twitter arrintan u cuskadeen? Afhayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa sheegay in muuqaalka ""ay ku jiraan macluumaad khaldan oo dhigaya in qaar kamid ah dadka uusan ku dhici karin cudurka taas oo aan u aragno inay tahay xadgudub ka dhan ah siyaasadaha inoo degsan ee la xiriira marin habaabinta khaldan"". Waa markii ugu horeysay oo shirkadaha ugu waaweyn dhanka baraha bulshada ay hawada ka saaraan xog uu soo dhigay baraha bulshada ee madaxweynaha. Twitter ayaa sheegtay inay xanibaad kusoo rogtay akoonkan ciwaankiisu yahay @TeamTrump. Waxay sababta ku sheegeen muuqaalka wareysiga ""xogta khaldan"" oo ay soo dhigeen, kadibna madaxweynaha uu sii baahiyay oo uu lasii wadaagay dadka kale. Afhayeen u hadlay Twitter waxaa uu sheegay in xogtaas lasoo dhigay akoonkaas gacan saarka la leh madaxweyne Trump uu ku xadgudbay shuruucda u deegsan ee faafinta xogta khaldan, waxaana uu afhayeenka yiri "" akoonkaas waa in laga saaraa xogtaas haddii uu doonayo in markale uu wax daabaco"". Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii shirkadda Twiter ay xanibtay akoon u leeyahay wiil uu dhalay madaxweyne Trump kadib markii uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyay muuqaal loo arkay in uu yahay marin habaabin la xiriirta feyraska corona. Muxuu Trump ku sheegay wareysiga Fox News? Mar taleefoonka lagu wareysanayay ayaa madaxweyne Trump waxaa uu telefishenka Fox News arbacadii ka sheegay in la joogo xilligii dib loo furi lahaa iskoolada guud ahaan Mareykanka. Waxaa uu yiri: "" haddii aad eegto caruurta, waa kuwa uusan karin oo u adkeysan kara feyraska corona"". ""Difaaca ama adkeysiga jirka caruurta waa mid adag, sida aan aaminsanahay"", ayuu Trump sii raaciyay hadalkiisa. Daraasad laga sameeyay 55 kun oo qof oo uu ku dhacay xanuunka waxaa ay muujineysaa in dad ka yar 0.8 boqolkiiba ay da'doodu ka hooseyso 19 sano. Ismarin-waaga u dhaxeeya madaxweyne Trump iyo shirkadaha baraha bulshada ayaa soo jiitamayay muddooyinkii dambe. Madaxwayne Donald Trump ayaa horaantii sanadkan saxiixay amar madaxwayne oo looga gol leeyahay in meesha looga saaro qaar ka mid ah shuruucda lagu difaacayo shirkadaha baraha bulshada. Waxuu amarkan siinayaa hay'adaha fuliya sharci in tallaabo sharci ay ka qaadaan shirkadaha baraha bulshada sida facebook iyo shirkadda Twitter-ka. Madaxwayne Trump ayaa markii uu saxiixayay amarkan ku eedeeyay shirkadaha baraha bulshada ""awoodo aan lala xisaabtamin"". Amarkan cusub ee uu madaxwaynaha saxiixay ayaa waxaa la filayaa in uu la kulmo caqabado dhanka sharciga. Khubarada dhanka sharciga ayaa waxay sheegeen in isbadalka lagu sameynayo xeerarkan ay ahayd in ay ku lug yeeshaan aqalka congreska ama maxkamadaha dalkaasi. Mr Trump ayaa si joogta ah ugu eedeeynayay shirakadaha baraha bulshada inay faaf-reeb ku samaynayaan codadka iyo fikradaha asliga ah. Khamiista, Mr Trump ayaa ku eedeeyay shirkadda Twitter-ka in ay faragalin ku samaynayso doorashada ka dib markii ay shirkadda dul saartay qoraa uu so dhigay in xaqiiqadiisa la iska hubiyo. Shirkadda Twitter-ka ayaa sidoo kale intaa ku dartay "" in la iska hubiyo xaqiiqooyiinka ku saabsan Covid-19"" ka dib qoraal uu bartaasi soo dhigay afahyaeenka dowladda Shiinaha oo sheegay in asal ahaan uu Corna ka yimid Mareykanka. Muxuu yahay amarkan cusub ee uu saxiixay Trump? Amarkan madaxwayne ayaa amraya in la sii qeexo sharciga isgaarsiinta oo ah sharci ka jira Mareykanka kaasi oo xaaladaha qaar difaacaya shirkadaha online-ka sida Facebook, Twitter iyo shirkadda YouTube. Faqrada 230 ee sharcigani, ayaa shirkadaha baraha bulshada waxa aysan qaadayn masuuliyadda qoaraalada ay soo dhigaan dadka barahooda isticmaala, balse waxay hawada ka saari karaan"" qoraalada aflagaadada iyo anshax xumada ku saabsan. Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa ""sida ugu dhaqsiyaha badan"" u bilaabi doona isku dubaridka amarkan cusub si ay aqalka congreska ugu codeeyaan." https://www.bbc.com/somali/53675054 +health Coronavirus: Isu naxariisashada naadirka ah ee ka dhalatay Covid-19 "ka dib markii uu dilaacay cudurka Corona, waxaa dad ku nool goobo kala duwan oo caalamka ka mid ay sameyeen falal kala duwan oo wajiyada dadka dhoollacadeyn ku reebay. Iyadoo xaalad adag lagu jiro ayay dad badan aqbalayaan xujo furka Covid-19 oo ah in aad isa soo sawirtid adigoo qof caawinaayo. Mahita Nagaraj oo ka soo jeeda magaalada Bangalore ee dalka Hindiya waxay Facebook ka bilowday qol ay ugu magac dartay Caremonger India, si ay taageero ugu fidiso dadka nugul ee bulshada ka mid ah, inta uu socdo xanuunka Coronavirus. Muddo toddobaad gudihiisa, kooxdaas waxay gaartay in ka badan 5,800 oo mutadawiciin ah oo diyaar u ah inay dadkaasi caawiyaan. Kooxda ayaa mudnaanta siinaya dadka ugu nugul bulshada, kuwaas oo ay u kala qeybiyeen afar; waayeelka, dadka naafada ah, waalidiinta haysta carruurta ka yar 12-ka bilood, iyo dadka qaba cudurrada halista ah. ""Qolkan Facebook-ga waxaan furnay iyadoo ay xitaa asxaabteyda ka walaacsanyihiin waxa ku dhici kara dadka cudurka u nugul ee ka mid ah qoyskooda xilliga xayiraadaha lagu guda jiro,"" ayey tiri asaasaha qolkan. Waxay intaasi raacisay ""inay aad ula dhacday dadka sida mutadawacnimada u doonayo inay dadkooda caawiyaan, iyagoo tixgelinayo xaalada adag ee jirta balse waxay ila tahay in dadka mutadawacnimada ay ka fakarayaan inay dadka u caawiyaan, marka iguma ahan la yaab in dadka ay caqabadaha waxbo u arkin."" Kooxda ayaa hadda haysata mutadawiciin ku filan oo daboola baahida magaalooyiinka dalka oo dhan. Qabanqaabiyeyaasha Filimada Cannes ayaa albaabadooda u furay dadka hoy la'aanta ah, kuwaas oo aanan haysan meel ay aadaan maadaama magaalada ay weli xayirantahay. Munaasabadda sanadlaha ah ee ka dhacda Faransiiska Riviera, oo martigelisa xiddigaha ugu waaweyn filimada, ayay ahayd in ay dhacdo 12 May illaa 23 May balse dib ayaa loo dhigay. Goobta xafladda lagu qaban jiray ayaa hadda habeen walba guri u noqotay dad gaaraya illaa 50-70 qof. Heerkulka ayaa laga cabiraa qof walbo oo raba inuu soo galo dhismaha. Waxaa jiray walaac laga qabo dadkaas oo lagu qiyaasay 12,000, dadkan ayaanan horay u haysanin hoy. Dad badan oo guri la'aan ah ayaa sidoo kale ku tiirsan lacagta ay dadweynaha ku caawinayaan, way adkaan doontaa inay ku nagaadaan gudaha halkaas si ay naftooda uga ilaaliyaan fayraska iyo inay yareeyaan faafitaankiisa. José Andrés oo ah nin kariya cuntada oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa si kumeel gaar ah u beddelay maqaayadiisa si ay u siiyaan qado dadka u baahan cuntada ee an waxbo haysanin. Ujeedada ayaa ah in la taageero qoysaska uu dhaqaalahooda liita, dadka aanan haysanin hoy iyo waayeelka. Aasaaha World Central Kitchen ,ayaa dowladda ugu yeeray inay waxbadan ka qabato sidii loo caawin lahaa dadka baahan. Markii uu cudurku ka dillaacay Shiinaha, dadka cuntada makhaayadaha ka kariya ayaa durbawa bilaabay inay quudiyaan dadka cunnada u baahan. Tusaalaha ugu horeya waa Li Bo, oo dhowaan mulkiile ka noqday makhaayad bishii Disembar ka dib markii uu gaarigiisa iibiyey iyo weliba lacag amaah ah, balse 36 sano jirkan ganacsigiisa uma hirgelin waxaana bilowday Covid-19. ""Waan argagaxnay. Waxaan jiiftay guriga anigoo ka walwalaya sidii aan dib ugu bixin lahaa deenta,"" ayuu ku yiri Changjiang Daily. ""Balse waxaan arkay warka ku saabsan sida shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka ay u halgamayaan marka waxaan dareemay in ay tahay waqtigii aan ficil sameyn lahaa. Waxaan rabay in aan sameeyo qaybteyda si kastoo aysan muhiim u aheyn."" Waxay bilaabeen in daaqadaha saaraan sawirro farshaxan ah ka dib markii la xiray iskuulada UK. Boqollaal iskuul ayaa aradyda ku dhiira galinaya sawirradan ay ku muujinayaan rajo ka dibna barta Interned-ka ay ku baahinayaan. Inkastoo dhismayaal badan la xiray ayaa mid ka mid ah maamulka macalimiinta ayaa sheegay in ardyada badankooda qaab online ah ku qaadanayeen cashirada. Warshadda soo saarta tiishka ee dalka Spain ee dhoofisa xaanshiyadaha tirtirashada iyo waxyaabaha kaabayaasha ah sida dharka miisaska ayaa markii makhaayadaha iyo hoteelada la xiray, bilawday inay wax soo saarkeeda ku badesho soo saarista fayadhowrka iyo qalabta caafimaadka. Pau Vila oo ah maamulaha guud ayaa yidhi: ""Markii dhibaatadu run ahaantii bilaabatay, oo uu saameeyay isbitaallada gobolka, waxa ku yaraaday qalabka. Nasiib xumo, hannaanka dib loogu soo celinayo agabyada isbitaalka, runtii waa gaabis wuxuuna dadka halis gelinayaa duruufaha jira."" Laba toddobaad ka hor, warshadda ayaa joojisay wax soo saarkii caadiga ahaa, waxayna hadda soo saartaa keliya waraaqaha fidsan iyo tiishka musqusha si loogu isticmaalo isbitaalada." https://www.bbc.com/somali/war-52107148 +health Nooc ka mid ah kansarka oo aad ku garan karto saxarada haddii aad aragto astaamahan Dame Deborah James, oo u geeriyootay kansarka mindhicirrada, iyadoo 40 jir ah, ayaa qof walba ku boorrisay inuu eego saxaradiisa si ay u xoojiso ololaha ay dadka uga wacyigalinaysay cudurkaas. Halkan waxaa uga jawaabaynaa dhowr su'aalood oo aad la iska waydiiyo arrimaha ku saabsan nooca ka midka ah xanuunka dilaaga ah ee aan wali dawadiisa la helin. Waxaa jira saddex shay oo waawayn oo diiradda la saaro ama la eego: Waxaa jiri kara calaamado kale, sida: Inaad leedahay calaamadahan micnaheedu ma aha in ay hubaal tahay inaad qabto kansarka mindhicirrada, balse waxaa lagugula talinayaa inaad si dhakhso ah dhaktar u tagto, una sharraxdo xaaladdaada. Taasi waxa ay keeneysaa in dhakhtarku uu si deg deg ah kuu baaro. Mar walba kansarka daawayntiisa waxay sahlan tahay marka xilli hore la ogaado. Mar walba oo laga daahana halistiisu faraha ayay kasii baxdaa. Mararka kansarka mindhicirrada waxa uu xiri karaa meelaha ay saxarada soo marto, sidaas darteedna wax saxaro ah ma imaan karto. Tani waxay keeni kartaa xanuun aad u daran oo ku imaada qaybta hoose ee caloosha, calool istaag iyo cudur. Xaalad noocaasoo kale ah haddii aad isku aragto la xiriir dhakhtar. Ma jirto cid si sax ah u taqaanna waxa sababa noocan kansarka ka midka ah, balse waxaa jira waxyaabo laga yaabo inay horseedi karaan. Inta badan, kansarka mindhicirrada lama kala dhaxlo, balse waa inaad dhakhtarka u sheegtid haddii uu jiro qof ka tirsan qoyskaaga oo horay looga helay ka hor inta uusan gaarin 50 sano. Xaalado gaar ah oo ay dadka qaarkood qabaan oo soo jiita kansarka ayaa sababi kara in dadkaas ay halis wayn ugu jiraan cudurkan, laakiin sidoo kale waa laga hortegi karaa haddii uu dhakhtarku ogaado xilli hore. In ka badan kalabar ka mid ah kiisaska kansarka mindhicirrada waa laga hortegi karaa haddii ay dadku raacaan tilmaamaha ku talinaya in lagu dadaalo caafimaadka nolosha, sida ay saynisyahannadu sheegeen. Taas micnaheedu waa in la sameeyo jimicsiga badan joogto ah, in la cuno raashinka u badan khudaarta, kuwa uu dufanku ku yaryahay iyo in uu qofki maalintiiba cabo lix ilaa siddeed galaas oo biyo ah. Sidoo kale waxaad khatarta ku yarayn kartaa inaad dhakhtarka la kulanto mar walba oo aad isku aragto calaamadaha cudurkan. https://www.bbc.com/somali/articles/cm57z1n40vno +business Bilyaneerka ugu da'da yar UK ee bilaa xafiiska ah "Johnny Boufarhat wuxuu muddo 2 sano gudahood ku sameeyay in ka badan $ 5.6 bilyan oo doolar kadib markii u furtay shirkad qaabilsan qabashada shirarka Online-ka. Wuxuu shaqaaleysiiyay in ka badan 500 qof, dadkaas intooda badan weligood ma aysan la kulmin ninkan maadama uusan laheyn wax xafiis ah. Sida laga soo xigtay wargeyska The Sunday Times oo soo bandhigay liiska dadka ugu taajirsan UK, Johnny Boufarhat oo 27 jir ah wuxuu noqonayaa bilyaneerka ugu taajirsan UK. Ninkan ayaa wuxuu jecel yahay in uu soo bandhigo shaqooyin kheyrul caadi ah. Shirkaddiisa ma lahan xafiis, wuxuu shaqada ka qabtaa hadba halka uu tego, Johnny Boufarhat ma lahan xitaa guri joogta ah. ""In shirkaddeyda ay shaqeyso iyadoo aysan xafiis ah laheyn waxay inoo suurogelisay in aan sameyno waxyaabo aysan horey u qaban shirkadaha kale"" ayuu yiri Johnny Boufarhat. ""10 sano ka hor ma awoodin in aan sameeyo arrintani sababta oo qalabka Online-ka ee suurtogeliyay ganacsigan ma jirin, xitaa waxaa adkeyd in si wanaagsan laisugu dhex diro Email-lada"" ayuu yiri Boufarhat. Wuxuu intaas ku daray in laga shaqeeyo meelo ka baxsan xafiisyada waxay noqotay arrin waxtar weyn soo kordhineyso isla markaana horseedeyso in ganacsiga uu ballaarto. Shirkaddiisa Online-ka ee Hopin wuxuu sanadkii 2019-ka ku bilaabay lix shaqaale ah oo kaliya ah balse wuxuu dhaqaale badan sameeyay kadib saameynta ka dhalatay safmarka Karoona taas oo horseeday in uu hakad galo ganacsiga adduunka. Shirkaddiisa waxaa uu suurtogashay inay qabato in ka badan 80,000 oo shirar ah tan iyo sanadkii 2020, wuxuu la shaqeeyaa hay'ado iyo shirkado sida Qaramada Midoobey, gaashaanbuurta Nato, Slack iyo Unilever. Haatan uma yaallo wax qorshe ah oo ku aadan in uu wax ka baddalo sida uu hadda u shaqeeyo. Wuxuu qaaday dhabbo ganacsi oo casri ah oo muujin kara in mustaqbalka la hirgelin karo shirkado u shaqeeyo noocan. Wuxuu shaqaalihiisa ka kooban 500 bil kasta u qabtaa kulan Online-ka ah oo wax laisaga weyddiyo waxa u qabsoomay iyo caqabadaha taagan . ""In laga shaqeeyo meel aan xafiis aheyn waxay inoo suurtogelisay in aan shaqaaleysiino dad kala duwan oo caalamka ku sugan"" ayuu yiri Johnny Boufarhat. Khatarta dagaal ganacsi kaga dhex qarxi karto Maraykanka iyo Shiinaha oo sii kordhaysa Fikrad ganacsi ayuu ku iftiimiyay miyiga Soomaaliya, habka uu uga macaasho-na waa cajiib Ganacsi lagu bilaabay $500 oo hadda ku fadhiya $1 bilyan oo doolar Sheekadiisa waa mid dhiirogelin leh-waxay fikraddan aasaaska shirkadda Hopin ku bilaabatay markii uu ku xanuunsaday London. Qoyskiisa waxay kasoo jeedaan dalka Lubnaan balse wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray Australia ka hor inta uusan soo aadin London isaga oo da'yar. Wuxuu sanadkii 2015-kii u safray Koonfur Bari Asia kadib markii uu ka qalin jebiyay jaamacadda Manchester gaar ahaan kuliyadda Injineernimada. ""Wuxuu xanuunka ii horseeday in la yimaado isbaddal, xitaa guriga kama bixi karin, muddo ka badan sanad, waxaan go'aansaday in aan noloshaas go'adoonka ah aanan kusii jiri karin"" Wuxuu in muddo ah ku shaqeynayay shaqo aan joogto aheyn oo ku saabsan barnaamijayada ganacsiga ee Online-ka si noloshiisa uu ugu dabaro. Sanadkii 2019 waxaa ugu dambeyntii u suurogashay in uu hirgeliyo shirkaddiisa Hopin taas oo uu ka macaashay kadib saameynta ka dhalatay safmarka Karoona." https://www.bbc.com/somali/57623321 +health "Coronavirus: ""Waxaan ka cabsanaya in si qasab ah la ii karantiilo""" "Sida la mid ah ""xanuunka"" ay dad badan oo dunida ku nool ay dareemayaan, Rachel Gachuna waxay si daran uga walaacsan tahay inuu ku dhaco coronavirus maadama ay ka cabsi qabto in la geeyo xarun karantiil oo ku taalla gudaha Kenya. ""Musqulaha waa kuwo wasakh ah.. shaqaalaha nadiifinaya waxay ka cawdaan wasakhada,"" sida ay BBC-da u sheegtay haweeney ku jirta xarun karantiil. ""Sababtaba, musqulaha biyo ma lahan, dadku waxay adeegsanayaan tuubadii ay isticmaashay, xitaa haddii ay jiraan... xaalad jahwareer ayaa halkaas ka taagan"". Dadkii soo galay Kenya ee ka yimid dalalkii uu saameeyay fayraska ka hor inta aanan la xirin xudduudaha iyo kuwo la sheegay inay la kulmeen dadka uu ku dhacay coronavirus, waxaa la geeyay xarun karantiil si muddo 14 maalmood ah ay halkaas ugu soo qaataan. Si kastaba, waxaa muddo kale lagu daray maalmaha qofka uu ku qaadanayo xarumaha karantiilka gaar ahaan dadka lagu arkay calaamadaha fayraska. Sidoo kale, dadkaas waa in ay iska bixiyaan kharashaadka ku baxayo noloshooda. Waxaa sidoo kale jiray walaaca ah in dadka ku jiray xarumahan aysan raaceyn talada ah inay kala fogaadaan maadama ay xarumaha ka jiraan ciriiri. ""Alle waxaan ka baryaayaa in xanuunkan uusan igu dhicin sababta oo ah ma garanayo waxaan sameyn doono,"" ayay tiri Ms Gachuna xilli ay la hadleysay BBC-da. Haatan, Gachuna waxay fasax ka qaadatay shaqada, waxay doorbiday in guriga ay kasoo shaqeyso. Si qoyskeeda ay uga ilaaliso xannuunka, kaligeed ayaa xaafadda usoo adeegto marka ay wax u baahdaan. Shacabka Kenya waxaa hadda lagu qasbay in ay xirtaan afka iyo sanka marka ay ku sugan yihiin goobaha dadweynaha, waxaa sidoo kale la dhimay basaska tirada dadka ee raaci jiray balse waxaa adag in la dhaqan geliyo arrinta ah kala fogaanshaha bulshada. ""Waxaan isku dayaa in aan feejignaado, marka aan guriga tago, waa in aan qubeystaa inta aan la kulmin carruurteyda, marka ma hubtid walxaha bannaanka kaa soo raacay,"" ayay tiri Rachel Gachuna. Waxay shaqada ka saartay gabar u shaqeyneysay oo u xanaaneyn jirtay labadeeda canug ee mataanaha ah, tas oo sabab u ah cabsida ay ka qabto coronavirus. Toddobaadkii lasoo dhaafay waxaa jiray tiro dad ah inay isku dayayeen inay kasoo baxsadaan xarun karantiil oo ku taalla Jaamacadda Kenyatta ee magaalada Nairobi kaddib markii ay sheegeen in nolosha halkaas ka jirta aysan wanaagsaneyn. ""Marka hore, ma heysano wax dhaqaale ah oo aan ku maareyno nolosheenna, marka labaad ma jiraan wax caddeymo ah oo dhakhaatiirta ay sheegeen oo muujinayo in aan halkan kusii jirno,"" waxaa sidaas yiri Simon Mugambi oo ka mid ahaa dadkii lagu hayay xarunta karantiilka. Dadka qaar ee ku sugnaa halkaas waxay sheegeen inay qaadeen xannuuno lasoo deriseen markii dowladda ay 14 maalmood ah oo dheeraad ah ay ku kordhisay muddada karantiilka. Sidoo kale, dowladda kenya waxay weli raadineysaa illaa 50 qof oo habeen hore ka baxsatay xarunta karantiilka ee KMTC ee ku taalla nairobi. Dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay, dowladda Kenya waxay sameysay in ka badan 50 xarrumood oo lagu karantiilo dadka, waxayna ku yaallaan huteello, jaamacadaha iyo iskuulada, waxaana habeenkii dadkaas ku baxaya kharash u dhexeeyo $20 illaa $100. Koox u doodo xuquuqul insaanka oo lagu magacaabo Kelin, waxay walaac ka muujiyeen xaaladda ay ku nool yihiin dadka ku jira xarumaha karantiilka. ""Dowladda kama aysan hadlin dadka bixinayo kharashaadka ku baxo, dowladda sidoo kale ma aysan caddeyn xilligga dadkaas la doonayo in la baaro,"" ayay tiri kooxda. Wasaaradda caafimaadka ee Kenya waxay sheegtay inay ka war heyso xaaladda balse ay ku dadaaleyso in shacabka laga ilaaliyo qaar ka mid ah dadka ku jiro xarumahaas ee laga helay cudurka. Patrick Amoth oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa sheegay in dadkii ku jiray xarumaha qaar aysan raacin talooyinka caafimaad ee loo soo jeediyay si looga hortaggo cudurka gaar ahaan inay kulmaan oo aysan kala fogaanin. Madaxa isbitaalka ugu weyn Kenya ee Kenyatta ayaa dhaleeceeyay dhaqamada dadka ku jiro xarumaha karantiilka. ""Waxay cadaawad u muujinayaan shaqaalaha ku sugan xarumaha karantiilka, xitaa qaar ka mid ah waxay tacaddiyo u geysteen shaqaalaha qaar,"" ayuu yiri Evanson Kamuri oo ah dhakhtar ugu sarreeya isbitaalka." https://www.bbc.com/somali/war-52353521 +health Go'aan naxdin leh oo ay qaadatay haweeney gabdho-dhalis badan lagu dhaliilay Haweeney ku nool degmada Vellore ee dalka Hindiya, oo saddex jeer oo xirriir ah dhashay gabdho, ayaa culeys weyn oo joogto ah kala kulantay eheladeeda, qaraabada iyo dadka deegaanka, xaaladdan oo keentay inay sumeyso labo ka tirsan gabdhaheeda iyo isku day dil. Waxaa ugu dambeyntii geeriyooday carruurteeda, halka iyada keliya ay ka badbaadday suntaas. Hooyadaas oo la yiraahdo Vasuki (magaca waa la beddelay), ayaa maxkamadda sare ee Madras ku wargelisay, in aysan dilin carruurteeda iyadoo miyir-qabta. Garsooraha  maxkamadda Bharatasakravarthy, waxaa uu go’aansaday in kiiska Vasuki uu u eego iyadoo lagu nool yahay duni casri ah inuu haddana muujinayo inuu weli jiro takoorka ka dhanka ah gabdhaha. Wuxuu sii daayay Vasuki, isagoo aaminsan inay korsan lahayd gabdhaheeda oo ay wax bari lahayd. Garsoore Bharata Chakraborty ayaa sheegay in Vasuki ay tahay qof wanaagsan. Waxaa uu dhanka xusay in xilli ay sii kordhayaan fursadaha waxbarasho iyo shaqo ee haweenka ay haddana Vasuki ku qasbanaatay in ay disho carruurteeda. Waxaa uu dhanka kale tusaale u soo qaatay kiis kale oo la xiriira haweeney lagu magacaabo Nallathangala. Gabadhaas ayuu sheegay in ay ahayd haweeney wanaagsan oo uu ninkeedu diiday. Garsooraha ayaa tilmaamay in gabadhaas ay xilligaan ku dhibaatoonayso korinta toddobo carruur ah oo ay dhashay. Ninkeedu wuxuu uga tagay sababo la xiriira saboolnimo. Sheekadeeda Aniga iyo qoyskaygu waxaan aadnaa shaqo. Ma jiro qof ka tirsan qoyska oo xagga dhaqaalaha iga caawiya. Waxaan ku noolnahay dakhliga aan ka helno shaqooyinkeenna maalinlaha ah ee an qabanno. Saddex goor oo xirriir ah ayaan dhalay gabdho. Dadka magaaladeenna ku nool way i aflagaadeynayeen oo aad baa la ii hadal-hayay. Ma arkin qof i dhiirrigeliya. Waxaan ku curtay gabar, canugga labaad sidoo kale waxay ahayd gabar. Kaddib aad bay iigu adkayd, balse waxaan rajeynayay in canugga saddexaad uu wiil noqon doono, balse ma noqon. Gabdhaha oo dhan, ilmaha uurka ku jira ha ahaato gabadh ama wiil, waxaad u rajaynaysaa inuu si fudud ku dhasho. Waa waxa aan mar waliba ka fekerayay. Hase ahaatee, waxaan dareemay qalbijab weyn, maalmo kaddib markii aan dhalay canuggii saddexaad. Iyadoo ay sidaas tahay, dad badan oo reer miyi ah oo aan garanayo, waxay igu lahaayeen ‘wax baa kaa qaldan’. Marka aad xaamilo tahay, ma go’aamin kartid canugga aad dooneyso inaad dhasho inuu noqdo wiil ama gabar. Haddii gabar ay yeelato uur, waxay yiraahdaan ‘waxaaba dhibaato ah in hab la siiyo’. Haddii aan runta ka hadlo, ma garanayo sida aan u go'aansaday inaan sumeeyo hooyaday iyo labadayda gabdhood. Waxay ay ila tahay in aanan xilligaas ka war hayn waxa aan sameynayay. Gabdhaha waayadan ma heystaan qof ilaaliya. Haddii ay gabadhu maalin maalmaha ka mid ah wiil jeclaato, waxay dhibaato ku noqonaysaa qoyska. Haddii sidoo kale ay is disho ama ay siyaabo kale u geeriyooto, ma jiro qof arrinteeda soo faro gashanaya oo tuulada oo dhan way ka gaabsataa. https://www.bbc.com/somali/articles/cd1neqyxz5eo +technology Lacagta YouTube: Tobanka qof ee dhaqaalaha ugu badan ka sameeyay 2021 Jimmy Donaldson, oo ah 23 jir u dhashay dalka Mareykanka, kuna magac dheer MrBeast, ayaa noqday shakhsiga lacagta ugu badan ka sameeyay barta YouTube 2021, sida laga soo xigtay wargeyska Forbes. Jimmy ayaa waxaa bartiisa YouTube-ka daawatay sanadkii tegay in ka badan 10 bilyan, waxaa uuna ka sameeyay lacag dhan $54 milyan oo doolar. Waxa uu ka hormaray wiilka yar ee 10 jirka ah ee lagu magacaabo Ryan Kaji, kaas kaalinta koobaad ku jiray labadii sano ee la soo dhaafay. Jimmy Donaldson waxaa uu bartiisa ku soo bandhigaa muqaalada kamarada qarsoon ee loo yaqaano (Prank). Dadka galay toban kaalmood ee ugu horreeya ayaa waxa ay sanadkii tagay ay bartaas ka heleen lacag lagu qiyaasay 300 milyan oo doolar sida ay sheegtay Forbes. Jake Paul ayaa ku jira kaalinta labaad, isagoo ka soo muuqanayay liiska 10-ka qof ee ugu sareeya tan iyo 2018, sidoo kale walaalkiis Logan ayaa ku soo laabtay liiska kadib markii uu ka maqnaa tan iyo 2017. Ciyaaryahan Minecraft Nathan Graham, oo loo yaqaan Unspeakable, ayaa liiska markii ugu horreysay ku soo biiray isaga oo galay kaalinta shanaad. Intii caalamku ka jiray xanuunka Covid-19, warbaahin badan oo ah kuwa madadaalada ayaa waxa la soo gudboonaaday waqti adag. Balse barta Youtube, ayaa xilligan waxa ay u ahayd mid dhaqaalaheedu kobcay. Cilmi-baaris la soo saaray ayaa muujinaysa in 2021 ay barta YouTube ay daawadeen 2.3 bilyan oo qof guud ahaan caalamka. Shirkadda YouTube ayaa sheegtay in 1 bilyan oo saacadood maalin kasta la daawado muuqaladeeda guud ahaan caalamka. YouTube oo xirtay akoonkii Donald Trump Cunugii Youtube-ka laga jeclaa oo geeriyooday Maxaad kala socotaa weerarrada xuquuqda lahaanshaha ee YouTube? Halkan ka akhriso liiska oo dhameytiran. Waxaa sanooyiinkii u dambeeyay sii kordhayay dadka ku xiran barta uu YouTube ku leeyahay Preston Arsement taas oo uu lacag badan ka sameeyay. Waxaa lacagta uu sanadkii 2021 ka helay lagu qiyaasay 16 milyan oo doolar. Waa feeryahanka muran badan dhaliyay waxaana in kaalinta tobonaad uu soo galo ugu dambeysay 2017. Waxa uu sanadkii tagay ka sameeyay barta YouTube 18 milyan oo doolar. Majaajiliste sidoo kalena sameeya muuqaalada kamarada qarsoon ee Prank loo yaqaano waxaa uuna liiska sannadka 2020 ka galay kaalinta sideedaad. Sanadkii 2021 waxaa uu bartiisa YouTube ka sameeyay 20 milyan oo doolar. Waa wiil yar oo sameeya muuqaalada boonbalaha iyo kaartuunada carruurta. Sanadkan hoos ayuu u soo dhacay, waxaa uu so galay kaalinta 7-aad. Gabadhan u dhalatay Ruushka ee 7 jirka ah waxa barteeda YouTube a ku xiran ku dhawaad ​​90 milyan oo qof. Waxay sanadkan barteeda ka sameeysay lacag dhan 28 milyan oo doolar. Waxaa uu barta YouTube muuqaalo ku soo gudbinayay in ka badan 10 sano. Waxaa uu sanadkii 2021 ka helay lacag lagu qiyaasay 28.5 milyan oo doolar. Rhett and Link waa nin caan ka ah barta YouTube isla markana waxa uu sanadkii tagay ka sameeyay lacag dhan 30 milyan oo doolar. Waxaa Markiplier soo galay kaalinta 3-aad waxaa uuna sanadkii tagay ka smaeyay 38 milyan oo dolar. Jake Paul waxaa uu sanadkan soo galay kaalinta labaad waxaa uuna 2021 bartiisa ka helay lacag dhan 45 milyan oo doolar. Waa ninka lacagta ugu badan ka sameeyay barta YouTube isa oo ka helay 2021 lacag dhan 54 milyan oo doolar. https://www.bbc.com/somali/war-60012443 +sports Reynhard Sinaga: Sida ninkan u ugaarsaday dhibbaneyaasha uu Manchester ku kufsaday "DIGNIIN: Warbixintan waxaa ku jira haddallo ay suuragal tahay in aad dhibsato Reynhard Sinaga waxaa la rumeysan yahay in uu yahay ninka geystay ""Tirada ugu badan ee kufsi ee ka dhacay UK"" abid. Muddo sanado ah ayuu waday kufsigaas, waxaana la qabtay 2017-kii. Wuxuu bartilmaameedsan jiray dhallinyarada habeenkii iska aada caweys-yada. Waxaa la qabtay ka dib markii qof uu kufsanayay uu ka soo kacay daroogadii uu siiyay, wuuna iska difaacay. Ka dib wuxuu dhacdadaas u sheegay booliska. Reynhard Sinaga, waa 36 sano jir, dhameeyay dhowr jaamacadood. Wuxuu guriga qoyskiisa ka soo tagay taddobo sano ka hor, wuxuuna muddadaas ku noolaa guryo kiro ah oo ku yaalla magaalada Manchester. Sinaga, oo asal ahaan ka soo jeeda Indonesia, wuxuu ahaa ardey aan jaamacadda marna ka maqnaanin. Wuxuu haystaa laba shahaado oo heerka koobaad ee jaamacadda ah, wuxuuna isu diyaarinayay in uu billaabo shahaadada labaad ee Jaamacadda. Balse, maalintii wuxuu ahaa ardey wanaagsan oo waxbarashada ku dadaala, habeenkiina dembiile ugaarsada dadka uu kufsiga kula kacayay. Waxaa lagu helay dembiyo ka kooban, in dhallinyaradaas uu ku jiiday, kufsaday, xadgudub galmana u geystay illaa 48 qof oo rag ah, balse booliska waxay aaminsan yihiin in ay jiraan illaa 190 qof oo kale. Waxaa la rumeysan yahay in tirada guud ee dadka uu bartilmaameedsaday ay ka badan tahay 200 oo qof, 60 ka mid ahna lama sheegin xogtooda, sida booliska laga soo xigtay. Waxay soo koobeen tirada, balse Sinaga wuxuu muuqaallo ka duubay, uuna weeraray dad badan, taa oo baarayaasha ay ku tilmaameen ""wax xusuus u ahaa"" - alaab iyo macluumaad uu ka xaday dhibenayaasha ayaa la helay. Kaaliyaha Taliyaha Booliska, Mabs Hussain, wuxuu sheegay in ""cadeymo dheeraad ah la helayo"", tan iyo markii uu kiiska maxkamadda bilowday, baarayaashana ay heleen 23 qof oo kale, waxayna ""hadda rumeysan yihiin in Sinaga uu xadgudub kufsi u gaystay 206 qof oo rag ah"". Ka dib markii dhageysiga maxkamadda la dhammeeyay, Sinaga kiiskiisa waxaa loo gudbiyay maxkamadda racfaanka si loogu xukumo xabsi aan dabacsanayn. Garsooreyaasha ayaa diiday in lagu xukumo xabsi daa'in, balse waxay kordhiyeen muddada sanadaha ah ee xabsiga uu ku sii jiri karo. Waxay ogaadeen in uusan muujinin in uu ka qoomameeyay wixii uu sameeyay. Sinaga wuxuu sida caadiga ah weerarada ka fulin jiray jidadka. Wuxuu inta badan ka howlgali jiray xaafad kooban oo ku dhow meeshii uu degganaa. Wuxuu kufsiga u geysan jiray dhallinyaro rag u badan oo da'dooda ay ahayd 20 sano, kuwaas oo khamri soo cabay oo sarqaansan. Markii dhibbaneyaasha ay ka soo naxeen daroogada uu siiyay, badankooda ma xusuustaa wixii ku dhacay. Dadka uu ninkan weerarary qaarkood waxay ku sii socdeen guryahooda halka kuwa kalena ay kala lumeen saaxiibbaood. Qaarkood waxay ahaayeen kuwa aad u sarqaansanaa mana xusuusan karaan hadalladii dhexmaray iyaga iyo Sinaga, balse kuwa xasuusta waxay sheegayaan in uusan u muuqan sida qof kufsi kula kici rabay. Sinaga wuxuu adeegsan jiray dawooyiin si dadkan uu gurigiisa u geysto. Qaar ka mid ah dhallintaas waxay xusuustaan in Sinaga uu siiyay cabitaan ka dibna ay miyr-daboolmeen. Ninkan waxaa la filayaa in maxkamad ay ku xukumi doonto 30 illaa 40 sano oo xabsi ah. Sinaga wuxuu iska dhigi jiray qof wanaagsan oo diinta ku fiican, jaamicina ah, wuxuuna isugu yeeri jiray naaneysta ah ""dhirta udgoon"". Waa nin dhuuban oo aan dheereyn, wuxuuna u muuqday qof aan halis ku ahayn bulshada. Dadka qaar ee uu kufsaday waxay xasuustaan siduu ugu dhoollacadeynayay. Taas ayaa ka dhigtay in Sinaga loo arko qof ""wanaagsan oo dadka caawiya"", iyo sasabashada dhibaneyaasha ka dib marka uu qolkiisa geysto. Waxaa la ognahay muuqaalka aan fiicneyn ee Sinaga uu sameeyay. Tobannan dhibane ayaa booliska la hadlay, 48 ka mid ahna waxay hortageen maxkamadda xilligii dacwadda ay socotay. Inta badan dadka maxkamadda hortagay waxay ahayeen kuwa 'galmo ahaan caadi ah oo toosan'. Ian Rushton, wuxuu sheegay in Sinaga ""uu si gaar ah ugu raaxeysan jiray ragga isaga la midka ah"". Inta badan dadka uu dhibaatada u geystay waa reer Manchester, sidoo kale, 26 ka mid ah waxay ahaayeen ardey markii weerarka uu u geysanayay. Waxay ka sheekeeyeen sidii uu Sinaga u howlgali jiray. Mid ka mid ah dadkaas, xilli ay saaxiibtii ku sugeysay meel, waxaa jidka kula kulmay ""nin gaban oo aasiya ka soo jeeda"" oo u muuqday qof aan wax dhib ah geysan rabin. Ninkaas ayaa ku casuumay qolkiisa si uu halkaa ugu sugo saaxiibtii, balse waxba ma xasuusan ka dib markii la siiyay cabitaan yar oo galas ku jiray. Nin kale wuxuu sheegay in ""wadada uu kul kulmay nin wanaagsan oo Aasiya ka soo jeeda"". Wuxuu u sheegay ""hadal iska cadi ah oo ahaa in uu dhahay in telefoonka ka demay uuna waayay tagsi uu raaco"". Wuxuu inta ku daray: ""Waxaan xasuustaa in hadalka uu ka mid ahaa, 'gudaha guriga ma soo galeysaa si aad telefoonka u dabeysato,"" sida uu maxkamadda ka sheegay. Waxay la ahayd in Sinaga ""uusan u muuqan qof dhibaato geysan kara"", sidoo kale intii ay qolka ku sheekeysanayeen, wuxuu ahaa ""qof daacad ah oo ku deyasho mudan"" oo jaamici ah. Wuxuu ninkaas Maxkamadda ka sheegay in ""markii la siiyay cabitaan uu isla markiiba miyr daboolmay, uusanna waxba xusuusan illaa subixii xigay"". Wuxuu soo toosay isagoo jahwareersan oo dawakhsan, wuxuuna qolka oga baxay shan daqiiqo gudahood. Sida dhibbane kasta oo kale, wax war ah kama uusan haynin in la kufsaday, illaa booliska ay la kulmeen una sheegeen arrintaas. Nin kale wuxuu xusuustaa in uu soo toosay isagoo dhulka jiifa oo busto loo huwiyay, wuxuuna qofkii dhismaha lahaa uga mahadceliyay in uu soo dhoweeyay. Shaki oo dhan muusan qaadin, in kastoo ninkaas ""uu u diiday in uu xogtiisa gaarka ah siiyo"" si looga caawiyo caymiska telefoon kalumay, sida uu sheegayay. Telefoonka, sida alaab kale oo badan oo la xaday, waxay booliska ka heleen guriga Sinaga. Qaar ka mid ah dhibbaneyaasha waxay dareemeen xanuun ka dib markii ay ka soo tooseen suuxdinta, mararka qaar iyagoo qaawan oo jirkooda uu matag leeyahay. Ma aysan ogayn xilligaas in Sinaga uu siiyay dawo la mid ah maandooriyaha GHB - taas oo suuxineysa dadka, si uu ugu xadgudbo. Mid ka mid ah dhibbaneyaasha, oo soo toosay isagoo qaawan oo jiifa dhulka qolka Sinaga, wuxuu sheegay in uu dareemayay lalabo, uuna argagaxay. Wuxuu aaminay in dhulka lagu jiiday, wuxuuna shakigaa u sheegay saaxiibtii, balse muusan u sheegin sidii uu dareemayay markuu soo naaxayay. Nin kale oo loo sheegay in uu dhulka iska seexdo, wuxuu xusuustaa in uu soo toosay laba goor, mar ka mid ahna uu dareemayay xanuun. Wuxuu sheegay in mar ka mid ah xilliyada uu soo naaxay, in uu awoodi waayay in uu dhaqaajiyo gacmahiisa, uuna dareemayay sida in uu isaga isku biyo-baxay, haddana markale ayuu hurdada ku noqday. Subixii, intuusan bixin wuxuu xooga la hadlay Sinaga. Booliska uma uusan sheegin wixii dhacay, balse markii dambe waxaa ninkaa la xiriiray askarta. Muuqaallada qaar waxaa laga dhex arkay Sinaga oo si xoog ah dhulka ugu nabaya ragga qaar, inkastoo ay miyr daboolnaayeen, waxayna u muuqatay in uu wax kaga riixayay dhanka dambe. Sidoo kale waxaa jiro muuqaallo laga arkay dhibaneyaal matagaya xilligii lagu xadgudbayay. Si ragga la kufsaday loo helo, booliska waxay adeegsadeen muuqaallada iyo alaabta laga helay guriga Sinaga - sida telefoonno, saacado, kaarar aqoonsi oo ku jiray boorsooyiinkooda, sawirro uu Sinaga kala degay barahooda bulshada, iyo baaritaanno iyaga ku saabsan oo internet-ka laga sameeyay. Marka ay waayaan xogtooda iyo aqoonsigooda, waxay askarta adeegsadeen qalab casri ah oo lagu dhejiyay meelaha u dhow jaamacadaha. Waxay kaloo la hadleen askarta kale ee daafaha UK oo ay weydiisteen in la aqoonsado dadkaas dhibbaneyaasha ah. Waxay sidoo kale ciidamada baareen in Sinaga uu dilay qof ka mid ah dadkii uu ku xadgudbay. Waxaa dib loo baaray dad la dilay oo la garan waayay qofkii ka dambeeyay iyo kuwa la la'yahay, balse waa lagu waayay wax cadeyn ah oo arrintaas la xiriirta." https://www.bbc.com/somali/war-55286178 +politics Madaxwayne xilka haysay muddo 85 daqiiqo ah "Madaxwayna ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa noqotay haweeneydii ugu horeeysay oo muddo kooban madaxwayne ka noqota dalka Mareykanka. Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii madaxwayne loo diray baaritan cafimaad oo si joogta ah uu u maro. Ms Harris, oo 57 jir ah, ayaa awoodda dalkasi haysay 85 daqiiqo, xilligaasi oo Mr Biden ku guda jiray baaritaan caafimaad. Bayaan uu soo saaray dhakhtarka Mr Biden ka dib baaritaanka ayuu ku sheegay in uu madaxwaynuhu caafimaad qabo islamarkana uu waajibaadkiisa gudan karo. Baaritaankan caafimaad ayaa ku soo beegmaya xilli madaxwaynaha uu u dabaaldagayo sanadguuradii 79 ee dhalashadiisa. Ms Harris ayaa shaqadeeda gudanaysay iyada oo ku sugan xafiiskeeda ku yaalla Washinton, sida ay sheegeen saraakiisha . Waa haweeneydii ugu horeysay oo madaxwayna ku xigeen ka noqotay dalka Mareykanka. Afhayeenka aqalka cad Jen Psaki ayaa sheegtay awood wareejinta noocan oo kale ah ay tahay wax iska caadi ah islamarkana ay qeyb ka tahay geedi socod uu dhigayo dastuurka . Madaxweynaha ayaa la arkayay isagoo dhoola cadeynaya markii uu ku laabtay Aqalka Cad. ""Waxaan dareemayaa farxad,"" ayuu yiri. ""Madaxweyne Biden waa nin caafimaad qaba, xoog leh, 78 jir ah, islamarkana awod u leh in uu guto waajibaadka madaxweynaha,"" ayuu yiri Kevin O'Connor, oo ah dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha. Mr Biden, oo ahaa madaxweynihii ugu da'da weynaa ee Mareykanka ee xilka qabta, ayaa baaristii caafimaad ee ugu dambeysay maray bishii December 2019." https://www.bbc.com/somali/war-59357696 +politics Nigeria: Shell oo lagu amray inay magdhow siiso beeralley "Maxkamad racfaanka ah oo ku taalla dalka Holland ayaa xukmisay in faraca shirkadda shidaalka Shell ee dalka Nigeria ay mas'uul ka tahay dhibaatooyin gaaray beeralleyda gobolka Niger Delta. Maxkamadda ayaa amartay Shell Nigeria inay magdhow siiso beeraleyda Nigeria, iyadoo sidoo kale lagu amray inay gobolka geeyaan qalab ka hortagaya in dhibaatooyin kale ay dhacaan. Koox beeralley ah ayaa furay kiiska sanadkii 2008, iyagoo ka cabanayay wasakhowga hawada. Warbixin ay shalay soo saartay, ayay Royal Dutch Shell ku sheegtay inay ""ka xun tahay"" xukunka. Xukunka ayaa mar kale racfaan laga qaadan karaa, wuxuuna sidoo kale khuseyn karaa meelaha ka baxsan Nigeria. Iyadoo arrintan ay dhacday intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2007, wasakhowga hawada ee ka dhasha dhuumaha shidaalka ee qubanaya ayaa arrin weyn ka ah Niger Delta. Maxkamadda ayaa sheegtay in Shell aysan caddeymo ku filan bixin in dad ay si ula kac ah u dhibaateeyeen beeralleyda xaafadaha Goi iyo Oruma, ee aysan ahayn shidaalka ka qubtay dhuumaheeda. Maxkamadda ayaa sheegtay in xaddiga lacagta magdhowga la go'aansan doono goor dambe. Maxkamadda ayaa heshay caddeymo ah in shidaalka ku qubtay xaafadda Ikot Ada Udo loo sameeyay si ula kac ah, balse waxay sheegtay inay u baahan tahay waqti dheeri ah oo ay kiiska ku xalliso. Afarta beeralley ee furay kiiska - Barizaa Dooh, Friday Alfred Akpan, Fidelis A Oguru iyo Alali Efanga - ayaa sheegay in qubashada shidaalka ee dhuumaha dhulka hoostiisa mara ay saameyn ba'an ku yeesheen noloshooda iyagoo wasakheeyay dhulka iyo meelaha ay biyuhu maraan. Mr Efanga iyo Mr Dooh ayaa geeriyooday tan iyo markii ugu horreysay ee kiiska la furay sanadkii 2008 sidaas darteed wiilashooda ayaa dacwadda halkeedii ka sii waday. ""Aad ayaan u faraxsanahay - dadka Nigeria hadda rajo ayay heleen,"" ayuu Princewill Efanga u sheegay BBC-da. James Oguru, oo ah wiilka Oguru, ayaa yiri ""caddaaladda ayaa guuleysatay"" balse wuxuu Shell ku borriyay inay sameyso waxa looga baahan yahay si ay u bilaabaan wax beerashada. Beeralleyda ayaa waxay taageero ka heleen kooxda arrimaha deegaanka ee Saaxiibbada Dhulka." https://www.bbc.com/somali/war-55868301 +health Luke Letlow: Xildhibaan u geeriyooday Covid maalmo kahor dhaartiisa "Xildhibaan dhowaan la doortay ayaa u geeriyooday Covid-19 - waa qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan Kongareeska Mareykanka oo u dhinta cudurka. Luke Letlow, oo Jamhuuriga ka tirsanaa isla markaana 41 jir ahaa, ayaa matalayay degmada 5-aad ee Louisiana waxaana lagu waday in la dhaariyo Axadda soo socota. Wuxuu 18-kii bishan December ku dhawaaqay in laga helay coronavirus kaddibna isbitaal ayaa loola cararay. Barasaabka Louisiana John Bel Edwards ayaa amray in maalinta duugta Letlow la dejiyo calanka. ""Waxaan aniga iyo xaaskeyga qoyska xildhibaanka la doortay ee Luke Letlow uga tacsiyeynaa geeridiisa kaddib markii uu ku dhacay Covid-19,"" Mr Edwards ayaa sidaasi ku qoray barta Twitterka. ""Waxaan ka muraara dillaacsanahay inuusan awoodi doonin inuu xildhibaan ahaan ugu adeego dadkeenna, balse waxaan u sii naxsanahay qoyskiisa."" Letlow wuxuu ka tegay xaaskiisa, Julia Barnhill Letlow, iyo labadooda carruur ee yar yar. Letlow waxaa isbitaalka la dhigay 19-kii December sababo la xiriira coronavirus. Xaaladdiisa ayaa ka sii dartay 23-kii bishan waxaana loo gudbiyay qeybta daryeelka degdegga ah ee isbitaal ku yaalla Shreveport, halkaas oo uu shalay ku dhintay." https://www.bbc.com/somali/war-55487927 +politics "Calooshood u shaqeystayaasha Ruushka: ""Xaftar lacagtuu bixin waayay ama taladuu ka qeybgelin waayay""" "Waxaa janaraal Khaliifa Xaftar saameyn ku yeeshay boqolaal ka tirsan calooshood u shaqeysatayaasha Ruushka ah ee ka garab dagaallamayay ciidamadiisa oo isaga baxay aagga dagaalka ee koonfurta Tripoli, sida ay wakaaladda wararka ee AFP ka soo xigatay xooggaga dowladda ay Qaramada Midoobay taageersan tahay. Bixitaanka dagaal-yahannadaasi ayaa ku soo beegmaysa xilli Jananka ay guuldarooyin waaweyn ka soo gaareen duullaanka mudada sanadka ah uu ku doonayay inuu ku qabsado caasimadda Liibya ee Tripoli ee fadhiga u ah dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee dalkaas. Axmed Tiir oo ka faallooda arrimaha Carabta iyo caalamka Islaamka ayaa BBC u sheegay in sababta ay u baxeen calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ay noqon karto ""in Janaraal Xaftar uusan siin lacagihii uu u ballan qaaday iyo in uu ka qeybgelin waayay go'aannada ku saabsan dagaalka."" ""Labo sabab bey u baxeen, lacagihii loo ballan qaaday oo aan Xaftar siin taana waxay keentay in ay isku dacaan. Waxay ahaayeen dad lacag doon ah, lacagtii sidii la rabay haddii loo bixin waayay dhib ayaa ka imaanayo oo iyaga markaas waxay meesha u sii joogaan ma lahan; midda labaad, wuxuu diiday Xaftar inuu ka qeyb geliyo siyaasadaha kore ee dagaalka oo isaga ayaa go'aamada idil gaarayay"", ayuu yiri Axmed Tiir. Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidammadan markii hore uu soo kireystay Janaraal Khaliifa Xaftar si ay uga caawiyaan dib u qabsashada magaalada caasimadda ee Tripoli, tallaabadaas oo aanan suurogelin. ""Xaftar siyaasad ahaan waa u dhamaatay sida aan filayo... waayo awood ciidan ayuu rabay in uu wax ku helo tiina wey suurageli weysay,"" ayuu yiri Axmed Tiir. Militariga Mareykanka waxay ku eedeeyeen Ruushka in diyaarad dagaal uu u diraya Liibiya si ay taageero ugu fidiyaan calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee ka howlgala Liibiya. Illaa iyo hadda wasaaradda gaashaandhigga Ruushka kama aysan hadlin eedeymaha ka soo baxay taliska ciidammada Mareykanka ee fadhigeedu yahay Afrika. Horraantii bishan ayay aheyd markii warbixin la soo dusiyay oo ay qortay Qarmada Midoobey lagu muujineyay in calooshood u shaqeystayaal Ruush ah ay ka howlgalaan Liibiya kuwaas oo taageero u fidinayay ciidammada Janaraal Khaliifa Xaftar. Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa Talaadadii telefoon kula hadlay Aguila Saleh Cisa oo ah nin ka agdhaw Janaraal Khaliifa Xaftar, waxayna ka wada hadleen xaaladda Liibiya. Wasiirka wuxuu Aguila Saleh Cisa oo ah guddoomiyaha baarlamaanka, u sheegay in loo baahan yahay in heshiis xabad joojin ah oo degdeg ah isla markaana dhammaan dhinacyada isku haya colaadda Liibiya laga qeybgeliyo heshiiska. Ruushka weli kama uusan hadlin in Liibiya ay joogaan calooshood u shaqeystayaasha, waxaa jiro wararka ah in ciidammo ka tirsan shirkadda Wagner oo ay hoostagaan calooshood u shaqeystayaasha ay sidoo kale ka howlgalaan Suuriya, Bariga Ukraine iyo dalal kale oo ay dagaallo ka taagan yihiin sida Jamhuuriyada Bartamaha Afrika. Dowladda Ruushka waxay beenisay in wax xiriir ah ay la leedahay maleeshiyaadkaas. Bayaanka ka soo baxay taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay: ""Xukuumadda Moscow waxay dhawaan diyaarado militari u dirtay Liibiya si ay u taageeraan calooshood u shaqeystayaal ka tirsan shirkad bixisay qanddaraasyada militariga oo ay dowladda taageerto oo ka howlgasha Liibiya"". 18-kii bishan May, ciidammo taabacsan dowladda ay Qaramada Midoobey ictiraafsan tahay ee Liibiya waxay qabsadeen saldhigga ciidammada cirka ee ku yaalla koonfurta magaalada caasimadda ee Liibiya. Sida laga soo xigtay ciidammada dowladda ee GNA, in ka badan 1,000 ka mid ah calooshood u shaqeystayaasha Ruushka waxay isaga baxeen koonfurta Tripoli waxaana lagu qaaday diyaarado Ruush ah kaddib markii ay dib u riixeen ciidammada dowladda. Ruushka iyo Janaraal Khaliifa Xaftar ma aysan xaqiijin bixitaanka calooshood u shaqeystayaasha Ruushka u dhashay." https://www.bbc.com/somali/war-52817626 +technology Maxay macallimiintu qaati uga taagan yihiin ardayda isticmaasha TikTok? "Macallimiin caga-jugleyn kala kulmay arday isticmaasha barta TikTok ayaa sheegay inay xadka ka sii baxayaan tacaddiyada ay kala kulmaan baraha bulshada. Tom Rogers wuxuu ka mid yahay dhowr macallin oo UK u dhalatay kuwaas oo sheegay in toddobaadyadii la soo dhaafay ay tacaddiyo kala kulmeen baraha bulshada. Waxyaabaha ay ardaydu soo dhigaan barta TikTok waxaa ka mid ah qalabka waxbarashada ee ay macallimiintu u adeegsadaan wax ku baridda ardayda qaabka online-ka, maaddaama haatan dunida uu ka jiro xanuunka safmarka ah ee coronavirus. TikTok ayaa sheegay inuu tallaabooyin dheeraad ah qaadayo si meesha looga saaro muuqaallada lagu weerarayo macallimiinta. Dowladda Britain ayaa iyadana qorsheyneysa inay la timaaddo shuruuc lagula xisaabtamayo baraha bulshada. Rogers, oo ah macallin dhiga maaddada taariikhda, ma uusan ogeyn in qeyb ka mid ah muuqaalka cashar uu bixinayay la dhigay barta TikTok ilaa mid ka mid ah macallimiinta ay isla shaqeeyeen uu ku wargeliyay. Markii uu baaritaan ku sameeyay, wuxuu helay labo muuqaal oo akoon aan la aqoon la soo dhigay, kuwaas oo ay daawadeen dad gaaraya 12,000 oo qof. ""Marka aad gasho app-ka, waxaad moodeysaa in carruurtu ay adiga kugu qoslayaan iyo inuu qof walba arkay,"" ayuu BBC-da u sheegay. ""Ma garan kartid qofka arkay, balse waxaad ogtahay inay carruur badan daawadeen."" Rogers ayaa dacwad ka gudbiyay muuqaallada, balse booliisku waxba kama aysan qaban. Macallinka ayaan sidoo kale wax jawaab ah ka helin TikTok muuqaalladuna weli way ku jireen bartaas markii la daabacayay maqaalkan. Rogers ayaa sheegay inuu isku dayo inaysan dhaawicin tacaddiyada uu kala kumo baraha bulshada, balse uu ka walaacsan yahay macallimiinta kale ee aan wax badan kala socon baraha bulshada. ""Waxaan u maleynayaa inay tan xadka dhaafeyso marka la eego wixii na soo maray labadii sano ee la soo dhaafay,"" ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in qaar ka mid ah saaxiibbadiis ay ku sugan yihiin xaalad aan fiicneyn."" ""Way ka tegi doonaan shaqooyinkooda xanuunno ayayna ka qaadi doonaan,"" ayuu intaas raaciyay. Tom Quinn, waa bare iyo madaxa hay'adda Frank Field Education Trust oo ku taalla waqooyi-galbeed England, ayaa BBC-da u sheegay in macallimiinta ay la xanuunsadeen tacaddiyada iyo inay tahay in baraha bulshada ay deg deg wax uga qabtaan si meesha looga saaro muuqaallada. ""Sanadihii la soo dhaafay, macallimiinta iyo ardayda waxay lahaayeen xiriir, waa xiriirka kaftanka; waxay isu bixiyeen naaneeysyo. Tani waa mid ka duwan waxyaabahaas,"" ayuu yiri. ""Markii uu cunug soo qoro faallo aflagaaddo wadata soona dhigo TikTok waxaa arki kara malaayiin qof oo dunida ku nool. Taasi runtii saameyn weyn ayay leedahay marka macallinku uusan xaq u lahayn inuu jawaabo."" Quinn ayaa sheegay in ururka uu kala shaqeynayo carruurta waaliddiinta muuqaallada dhigay bartaas si ay u fahmaan dhibaatada ay arrintaas leedahay. Afhayeen u hadlay TikTok ayaa sheegay in dhibaatada iyo tacaddiyada ""aysan meelna ka soo galin"" bartaas. ""Waxaan ka shallaayneynaa dhibka ku dhacay qaar ka mid ah macallimiinta sababo la xiriira waxyaabaha aflagaaddada leh ee la soo dhigo barteenna,"" ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in TikTok uu kordhin doono kharashka loogu talogalay in lagu hirgeliyo hannaan online-ka ah oo ay macallimiintu ku soo sheegayaan waxyaabaha aflagaaddada ku dheehan tahay ee bartaas la soo dhigo. ""Waxaan iskuul walba oo dalka ku yaalla ku wargelin doonnaa inay hubiyaan in dhammaan shaqaalaha ay helaan waxyaabaha ay u baahan yihiin waxaana sii wadi doonnaa la shaqeynta iskuullada, macallimiinta, waaliddiinta, ururrada iyo dadka kale ee uu dhibku gaaray si meesha looga saaro tacaddiyada aan loo dulqaadan karin."" Ayuu yiri Tom." https://www.bbc.com/somali/war-59230406 +health Dawada Coronavirus: Talaalka Karoonaha Australia ee keenay shakiga cudurka HIV/Aids "Tallaal ay ku howlaneyd Australia oo la filayay in uu ka hortaggo cudurka Covid-19 ayaa tijaabadiisa laiska dhafaay kaddib markii dadkii lagu tijaabiyay uu soo saaray natiijo been oo ah inay qabaan cudurka HIV. Australia waxay horraan heshiis ay kaga iibsaneysno 51 malyan oo kuuro oo tallaal ah la gashay shirkadda CSL oo Australia laga leeyahay iyo jaamacadda Queensland (UQ). Dowladda waxay sheegtay in dalabyada tallaal kale ay wax ka qaban doonto baahida. Shirkadda CSL iyo jaamacadda Queensland waxay carabka ku adkeeyeen in natiijada kasoo baxday tallaalka uu ahaa mid been ah- taasi micnaheedu kama dhigno in dadkii ka qeybqaatay tijaabada caafimaadkooda uusan wax halis ah ku jirin. Dowladda Australia waxay sheegtay in haatan ay heshiis la gashay shirkadda Novavax si ay tallaal uga hesho isla markaana lagu wado inay sare u qaado dalabka tallaalka ee jaamacadda Oxford iyo AstraZeneca. UK ayaa ahaa dalkii ugu horreeyay ee bilaabo in dadkiisa uu siiyo tallaalka ka hortagga cudurka toddobaadkan Tallaalka wuxuu marayay heeerka koowaad ee tallaalada la marsiiyo, wuxuuna muujinayay in uu ka hortaggi karo caabuqyada iyo xoojinta difaaca jirka. Balse qaar kamid ah dadkii lagu tijaabaiyay wuxuu soo saaray inay qabaan cudurka HIV-kaas oo ah been ah, markii dadkaas baaritaan kale la marsiiyay waxaa la ogaaday in aysan qabin HIV. Shirkadda CSL iyo jaamacadda Queensland waxay sheegen in la saxo khaladaadkaas ay qaadan karto muddo sanad ah isla markaana ay gaareen go'aan ah in laiska dhaafo tijaabadiisa. ""Wuxuu u muuqday mid shaqeynayo, balse ma dooneyno in wax saameyn ah ku yeelano kalsoonida balse natiijadan beenta ah waxay abuuri kartaa jahwareer iyo kalsooni darro"" ayuu yiri Brendan Murphy, oo ah xoghayaha arrimaha caafimaadka ee waaxda caafimaadka Australia. Tallaal ka hortagayo Corona Fayras oo tijabadiisa lagu guuleystay Goormuu diyaar noqonayaa tallaal la isku halleyn karo ee Faayraska Corona? Tallaal cusub oo Tifowga loogu tala galay Paul Young oo kamid ahaa dadkii hogaaminayay tallalkan ayaa ku tilmaamay mid ""murugo leh"" kaddib 11 bilood oo uu dadaal xooggan ku bixinayay. ""Iyadoo go'aankan uu yahay mid adag oo la qaado, balse in si deg deg ah lagu helo tallaalka waxay dan ugu jirtay qof kasta"" ayuu yiri Paul. Khuburrada kale ee caafimaadka dalkaas ayaa bogaadiyay go'aanka ku saabsan in laiska dhaafo tallaalkan maadama uu muujinayo arrinta dhabta ah ee ku saabsan horumarka tallaalkan. Australia waxay qarka u saarneyd inay hesho tallaal balse waxay ku guuleysatay ka hortagga in bulshada ay isku gudbiyaan feyraska kaddib markii bilihii ugu horreeyay ee cudurka ku fiday dalkaas. Profesoor Brendan Murphy, wuxuu sheegay in dalka haatan uu qaaday tallaabo wanaagsan balse lagu waday in labada tallaal la gaarsiiyo shacabka dalkaas marka la gaaro 2021-ka. ""Ma dooneyno in si deg deg ah lagu ansixiyo tallaalka- waxaan horumar ka gaarnay xakameynta feyraska"" ayuu yiri Brendan Murphy. Wuxuu intaas ku daray ""Waxaan sanadka dambe rajo ka qabnaa in aan helo qorshe guuleysta oo ku saabsan tallaalka"" Ra'iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu sheegay in dadaalka ku aadan sameynta tallaalka ka hortagga cudurka ay ka dhigan tahay rajada ah in tallaalka la gaarsiiyo guud ahaan shacabka. Tallaalka jaamacadda Oxford ayaa la ogaaday in uu yahay 'mid waxtar leh oo laisku haleyn karo' balse wuxuu u baahan yahay in dunida laga ansixiyo. Bilowga sanadka 2021-ka ayaa la filayaa in markii ugu horreysay shacabka Australia la siiyo tallaalka ka hortagga Covid-19 kaas oo ay soo saareen Oxford/AstraZeneca. Australia waxaa ku nool dad gaarayo 25 malyan, dowladda waxay toddobaadkii hore diiwaangelisay hal kiis oo cudurka ah. Dowladda waxay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo looga hortaggayo fiditaanka cudurka, wuxuu cudurka dalkaas ku dhacay 28,000 qof ay u geeriyootay 908." https://www.bbc.com/somali/war-55271552 +health Coronavirus: Hadal ka soo yeedhay xubin ka tirsan aqalka senetka oo dagaalka labada dal soo cusbooneysiiyey "Dagaalka Mareykanka iyo Shiinaha ee la xidhiidha cudurka safmarka ee coronavirus sida uu ku soo billowday ayaa markale soo laba kacleeey kaddib markii uu Senetar ka tirsan mareykanka uu Shiinaha ku eedeeyey inuu isku dayaya inuu hor istaago dadaallada cudurka dawo looga raadinayo. Rick Scott wuxuu sheegay inuu caddeymo arrintaasi muujinaya ay ka helayaan ""laamaha sirdoonka ee ay leeyihiin"", balse uu ka gaabsaday inuu faahfaahin uu ka bixiyo. Beijing waxay shaacisay dokumanti ay ku sheegtay cudurka marka uu dalkeeda ka dillaacay xogta iney Mareykanka la wadaagtay 4-ta bisha January. Dadka faayraska corona dunida ugu dhintay waxay tiradooda maanta oo Axad ah ay kor u dhaaftay 400,000. Sida ay tilmaameyso xogta ay soo saartay Jaamacadda John Hopkins, tirada dadka cudurka uu soo ritay ee heer caalamina waxay gaareen 7 malyan oo qof. Seneter Rick Scott oo laga soo doorto gobolka Florida, oo ka tirsan guddiyada aqalka sanetka gaashaand dhigga iyo amniga dalka gudahiisa wuxuu ka hadlay barnaamijka BBC ee Andrew Marr Show. Wuxuuna sheegay: ""Waan ognahay inaan u baahannahay in tallaal la sameeyo. Nasiib darrose waxaa haynaa caddeyma muujinaya Shiinaha inuu doonaya inuu qalqal geliyo dadaallada ama gaabis uu ku yimaaddo."" Ms Scott oo laba mar hadalkiisa ku celiyey wuxuu yiri: ""Shiinaha ma doonayo inuu dawada ugu horreysa ay helaan Mareykanka, Ingiriiska ama Yurub. Waxayna go'aansadeen iney cadow ku noqdaan Mareykanka iyo Dimuqraadiyadda dunida oo dhan."" Mr Scott oo si weyn u taageera Madaxweyne Donald Trump, wuxuu markale su'aal geliyey ""caddeymaha iney laamaha sirdoonka ka soo baxayaan balse uu dooneyn xogtaasi waxa ay tahay inuu faahfaahin uu ka bixiyo."" Wuxuuna intaa ku daray haddii ""Ingiriiska ama Mareykanka ay dawada hor helaan iney dawada dunida kale la wadaagayaan. Balse Shiinaha hanti wadaagga ku dhisan haddii ay dawad iyadu hor hesho ay dooneyn iney dunida la wadaagto."" Maamulka Trump wuxuu si joogta ah uu Shiinaha ugu eedeeyaa sida uu u maareeyey cudurka safmarka ee coronavirus. Iyada oo Trump marar badan uu magaca coronavirus uu hal qabsi uga dhigay ""faayraska Shiinaha"", isaga oo intaa ku daray inuu caddeynayo Covid-9 inuu ka soo ifbaxay sheybaar ku yaalla dalka Shiinaha. Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo wuxuu sheegay iney jiraan ama la hayo ""caddeymo aad u weyn"" balse uu Shiinaha weli iska indhatirayo. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday dalkiisa xiriirki uu la lahaa hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO inuu joojiyey. Madaxweyne Trump wuxuu hay'adaha qaramada midoobay ku eedeeyey 'iney ku guul darreysteen"" maareynta cudurka safmarka ee Covid-19. ""Shiinaha ayaa gabi ahaanba gacanta ku dhigay WHO,"" ayuu yiri madaxweynaha xilli uu shaacinayey tallaabbooyin la rabo in lagu ciqaabo Beijing. Washington dhaqaalihii ay ku bixin jirtay hay'adda WHO waxay u wareejineysaa meela kale, ayuu yiri. Mareykanka ayaa ah dalka dhaqaalaha ugu badan 2019-ka siisay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO dhaqaalahaasi oo ka badan $400 malyan oo doolar. Madaxweyne Trump oo iisu diyaarinaya in sanadkan uu markale u soo istaago musharraxnimo si markale loo soo doorto ayaa si weyn looga dhaleeceeyay sida uu u maareeyey cudurka safmarka ee ka dillaacay Mareykanka, halka uu isaguna eed uu dusaha kala dhacay Shiinaha inuu isku dayay inuu dunida ka qariyo cudurka safmarka ee dalkiisa ka soo billaawday. ""Dunida waxay wajaheysaa natiijada ka dhalatay qeyramsuulinimada ay sameysay dowladda Shiinaha,"" ayuu yiri madaxweyne Trump oo aqalka cad ka hadlay Wuxuuna intaa ku daray Shiinaha ""inuu qariyey cudurkan safmarka ee galaaftay dad ka badan 100,000 oo qof oo Mareykanka u dhalatay"". Madaxweynaha wuxuu Shiinaha ku eedeeyey iyada oo cadaadineyso hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ""ay dinida ku marin habaabisay"" faayraska. Kooxo cilmibaadhayaal ah oo daafaha dunida ku kala nool waay ku guda jiraan sidii ay faayraska corona dawo ugu heli lahayeen iyada oo dawooyinka qaar ay marayaan heer tijaabo. Tijaabadi ugu horreysay ee daooyinkaasi lagu sameeyeyna waxaa laga muujiyey ididiilo wanaagsan. Balse weli cidna ma sheegi karto waxtarka kama dambeysta ah ee ay leeyihiin dawooyinkaasi la tijaabiyey. Madaxweyne Trump waxaa bisha November u billaabmeyso ololaha uu ku doonayo in dib looga soo doorto, balse waxaa hortaagan dhaqaalaha dalka Mreykanaka oo hoos u dhacay waxa keli ah uu la shirtagi karo wakhti xaadirkanna ay tahay xaaladda Coronavirus ee taagan. Natiijada ka soo baxday daraasad kooban oo bishii hore la sameeyey ayaa muujineyso 2/3 dadki daraasaddaasi ka qayb galay inay Shiinaha u arkaan waddan xun. Balse tira aan intaa ka yareenna waxay aaminsan yihiin Mr Trump jawaabta uu cudurka safmarka uu ka bixiyey inuu gaabis badan uu ku jiro. Madaxweyne Trump oo ay ka yaabisay sida uu cudurka coronavirus uu u sameeyey dalka Mareykanka ayaa magaca cudurka u adeegsaday 'China Virus', balse Trump ayaa halqabsigaasi joojiyey wixii ka dambeeyey marka uu taleefan kula hadlay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Tani iyo bishi January marka uu cudurku billaabay inuu ku faafo dalka Mareykanka, wuxuu Trump uu Shiinaha la saxeexday wajiga kobaad ee hieshiiska ganacsi oo ay ku sheegeen iney ku dabcinayaan dagaalki ganacsiga ee canshuuraadka ka dhashay. Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu rajeynayo wajiga labaad ee heshiiska muhiimka in la guda geli doono waloow uu haatan hakad geliyey howlahaasi cudurka safmarka ee coronavirus." https://www.bbc.com/somali/war-52956272 +politics Liz Truss: Waa tuma haweeneyda yaraanteedii jili jirtay ra’iisal wasaarenimada ee hadda si dhab ah u noqotay? Liz Truss ayaa noqon doonta ra’iisal wasaaraha cusub ee UK, kadib markii ay ku guulaysatay codbixinta xisbigeeda Conservative-ka. Waxa ay xilka kala wareegi doontaa Boris Johnson. Haddaba waa tuma Liz Truss? Mary Elizabeth Truss waa 47 jir ku dhalatay Oxford, isla markaana wax ku baratay jaamacadda Oxford. Waxay u dhaxdaa xisaabiye Hugh O'Leary, waxaana u jooga laba hablood. Markii ay todobo jir ahayd, Liz Truss ayaa doorasho jilitaan ah oo ka dhacday iskuulkeeda ku matalaysay haweeneydii hoggaamin jirtay Britain ee Margaret Thatcher. Aabaheeda waxa uu ahaa macallin jaamacadeed oo dhigga maadaada xisaabta, halka hooyadeed ay ahayd kalkaaliso caafimaad. Liz Truss oo taageertay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub ayaa sanadihii dambe noqotay mid aad ugu dhaw garabka midig ee xisbiga Conservative-ka, kuwaas oo u ololeeyay bixitaanka UK. Markii hore waxa ay ka tirsanayd taageerayaasha xisbiga Liberal Democrat. Waxa ay isku tilmaantay inay qaadi doonto dhabbihii ra’iisal wasaarihii hore, Margaret Thatcher. Ma ahayn qof shacbiyad badan ku dhex leh siyaasiyiinta xisbiga Conservative-ka, hase yeeshee waxa ay ololaheeda ku salaysay arrimo soo jiitay xubnaha rayidka ah ee xisbiga, sida canshuur dhimidda, kuwaas codkooda siiyay. Sidoo kale waxa ay taageero ka heshay siyaasiyiinta daacadda u ah ra’iisal wasaaraha xilka ka degaya, maadaama ay garab istaagn u muujisay, isla markaana diidday inay iska casisho xilka xoghayaha arrimaha dibedda mise ay dhaliisho Boris Johnson. “Waa qof taqaana waxa ay dooneyso iyo waxa aanay rabin,” ayuu yiri walaalkeeda Francis oo ka warramayay shakhsiyaddeeda. Maadooyinka Falsafadda, siyaasadda iyo dhaqaalaha ayay ka baratay jaamacadda Oxford. Mudadii ay dhiganaysay jaamacadda Oxford, waxa ay ka qeyb qaadatay ololayaal badan, si gaar ahna u khuseeyay arrimaha siyaasadda. Markii dambe waxa ay noqotay hogaamiyaha ardayda Liberal Democrats ee jaamacaddaas. Kulan uu xisbiga Liberal Democrats yeeshay Brighton sanadkii 1994, ayaa waxa ay taageertay olole meesha looga saari rabay boqortooyada UK. Waxa ay ku doodday “Ka Liberal Democrats waxaan rumaysannahay in fursado siman ay helaan dadka oo dhan. Ma aaminsanin inay jiraan dad ku dhasha xukunka.” Kadib markii ay ka qalin jebisay jaamacadda, waxa ay xisaabiye ka noqotay shirkadda Shell, and Cable & Wireless, halkaas oo ay isku barteen seygeeda Hugh O'Leary. Waxay aqal galeen sanadkii 2000. Waayaheedda siyaasadda Ms Truss ayaa doorashadii guud ee 2001 u tartantay xildhibaanka Hemsworth, iyadoo u sharraxnayd xisbiga Conservative-ka, balse waa laga guulaystay. Markale ayay 2005 isu sharraxday xildhibaanka Calder Valley, hase yeeshee ma aanay guulaysan. Hase yeeshee sanadkii xigay ayaa waxaa loo doortay golaha deegaanka Greenwich ee koonfur bari London. Hogaamiyihii xisbiga Conservative-ka David Cameron ayaa sanadkii 2010 Ms Truss u xushay inay u tartanto kursiga baarlamaanka ee Koonfur Galbeed Norfolk, kaasoo aan ka bixin gacanta xisbigaas. Inkastoo ay cadaadis xooggan kala kulantay maqaawiirta xisbiga ee deegaankaas, ayaa haddana waxa ay codad badan ku heshay guusha doorashadaas. Sanadkii 2012 ayaa waxa ay markii ugu horreysay kamid noqotay xukuumadda, iyadoo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, laba sano kadibna waxaa loo dallacsiiyay xoghayaha deegaanka ee UK. Sanadkii 2021 ayaa iyada oo 46 jir ah waxa ay kamid noqotay wasiiradda ugu awoodda badan xukuumadda, waxaana loo magacaabay xoghayaha arrimaha dibedda, iyadoo xilkaa kala wareegtay Dominic Raab. Waxa ay qabatay hawlo ay kamid yihiin wax ka bedalidda heshiiskii ka bixitaanka Midowga Yurub gaar ahaan arrinta xuduudda Waqooyiga Ireland, taasoo ka caraysiisay madaxda Brussels. Waxa ay ka shaqeysay sii deynta laba muwaadin oo haysata dhalashada Britain balse ka soo jeeda Iran, kuwaas oo u xirnaa xukuumadda Tehran. Markii uu Ruushka ku duulay Ukraine, waxa ay kamid ahayd siyaasiyiinta sida weyn u garab istaagay xukuumadda Kyiv, iyadoo ku doodday in ciidamada Putin gebi ahaanba laga xoreeyo dalkaas. Waxaa se lagu dhaliilay inay taageertay dadka ka tegaya UK ee doonaya inay u dagaallamaan dowladda Ukraine. https://www.bbc.com/somali/articles/cd1ll41rkygo +technology Maxaa sababay in gabadhaan saaxiibkeed ay Facebook ka baratay uu qudha ka jaro? "Muddo sanado ah, Jack Sepel iyo Ashley Wadsworth waxay ahaayeen saaxiibbo iska bartay qadka Internedka oo aad isugu isugu dhawaa inkasta oo ay isu jiraan 7,242 kiiloomitir. Laakiin markii Ashley oo 19 jir ah ay go'aansatay inay ka tagto Canada oo ay UK u guurto Jack Sipple, dartii ayuu dhawr bilood ka dib dilay. Ashley hooyadeed, Christie Gendron, ayaa tiri: 'Waa wax laga xumaado in waqtigii ugu dambeeyay ay ku fikiraysay waxa dhacay. Siday u cabsatay, muxuu noqon lahaa hadalkeedii ugu dambeeyay, maxay codsan lahayd? 'Weligay ma ogaan doono. Waxaas oo dhan waxaa garanaya laba qof oo kaliya, kuwaas oo midkood aanu dunidan joogin, midna aanu waligii run sheegeyn. oo ay ula jeeddo gabadheedii geeriyootay iyo ninka dilka u gaysatay. Ashley, oo ka timid gobolka British Columbia, ee dalka Canada, waxay u tagtay inay kula noolaato Jack, oo 23 jir ah, guri hal qol ah oo ku yaalla Waddada Tennyson ee Chelmsford, dalka UK. Kowdii bishii Febaraayo ee sanadkaan, ayaa Ashley boolisku heleen maydkeeda.Jirkeeda waxaa ka muuqday ceejo iyo mindi uu laabta kaga dhuftay dhowr jeer. Xilligii maydkeeda la helay waxaa maydka dhinac fadhiyay oo sariirta dul-saarnaa, Jack. Kadib markii uu qirtay Jack inuu Ashley'  dilay waxaa lagu xukumay xabsi daain, ugu yaraan ah 23 sano, waa haddii cafis loo fidiyo,haddii kale nolashiisa oo dhan ayuu jeel ku qaadan doonaa. 'Suurta gal ma ahayn in aan ka joojiyo' Ashley hooyadeed Christie,ayaa sheegtay in gabadheedu ay ahayd gabar firfircoon, jecl ciyaaraha oo ay waliba u haysayxiiso gooni ah. Markii ay jirtay 12 sano, waxay ku jecleed ciyaaraha sida fardo fuulka, barafka iyo kuwo kale. Isla waqtigaas waxay qadka Internedka ka baratay Jack Sepel, oo ah wiil u dhashay dalka Ingiriiska. Waxaa ka dhaxeeyay xiriir jaceyl oo mararka qaar istaagi jiray, kadibna dib u bilaaban jiray. Inkastoo aysan waligood si fool-ka fool ah isku arkin haddana, Jack wajigiisa qoyska Ashly ee Vernon aad ayay u yaqaaneyn. Waxay ku sheekaysan jireen qolka iyaga oo mararka qaar qaab muuqaal ah u wadahadli jiray iyagoo isticmaalaya aaladda Face Time, isagoo xitaa mararka qaarna sallaami jiray hooyada dhashay Ashly. Markii ay da’deedu gaarta Ashly 18, waxay go’aansatay inay ka mid noqoto dadka ka shaqeeya Kaniisadaha .Waxay u sheegtay hooyadeed inay ku jirto waqti xasaasi ah oo ay ka shqeynayso howlaha diinta ay aaminsantahay. Ashley waxay sidoo kale markaasi go'aansatay inay u guurto UK, oo ay la noolaato Jack. Christie ayaa walaac ka muujisay 'laakin ma aysan suurtagal ahayn in laga joojiyo socdaalkaas. ""Wiil kasta oo Ashley la kulanto waxay la barbar dhigi jirtay Jack. Wax walba mar walba waxay kala tashan jirtay Jack. Dilku xitaa qalbigeyga kuma soo dhicin.“ ayay tiri Ashly hooyadeed Christie. Ashley waxay ku wargelisay qoyskeeda iyo Kaniisadda Mormon ee Chelmsford welwelkeeda ku saabsan hab-dhaqanka Jack. Safarkeeda ay dib ugu laabanaysay Canada waxay u ballansaned 3-dii Febaraayo. Laakiin Jack ayaa dilay laba maalmood ka hor inta aaney ka tagin Ingiriiska. 'Ashley way tagtay, Jack wuu dilay' Aabaha  dhalay Ashley, Ken Wadsworth, ayaa yiri: 'Waxaan soo toosay subaxii Febraayo 1-deedii, gabadheyda Hailey ayaa telefoonka igu sheegtay in walaasheyd dhimatay, Ashley waa dhimatay. Ashley waa dhimatay. Jack ayaa dilay” ayay tiri. Intaas kadib wuxuu wacay booliiska Canada si uu ugu sheego inuu ka baqayo in gabadhiisa oo joogtay Ingiriiska in la dilay. Muddo yar ka dib, waxaa soo wacay Booliska Essex ee UK waxayna qoysku ogaadeen in gabadhoodii ay dhimatay. ""Qalbigaagu wuu jabay,"" ayuu yiri. Waxaan u tagay dhaqtar, waxaana u sheegay in laab-xanuun badan I hayo, markaas ayaa la ii sheegay in waxa I haya ii yahay wadne xanuun. Wuxuu hadalka sii raaciyay Ken Wadsworth. “Aad bay u adag tahay. Gabadhaada yar sidan ha ku baxdo. Ma jiraan erayo lagu sifeeyo murugadan. Marna kama baqayn inay dareenkeeda muujiso. Waxay ahayd mid aad u weyn, oo jacayl ka buuxo. Xoriyad ayaan siinay wuuna isticmaalay”. Ken wuxuu u safray UK isaga iyo xaaskiisa si ay u helaan meydka Ashley. ""Waxay ahayd markii ugu xumayd noloshayda,"" ayuu yiri. Maana ogeyn wixii horey u dhacay Jack Siple wuxuu u guuray Tennyson Road bishii Abriil 2020-ka, wuxuuna aad uga carooday sababta ay u doonaysay saaxiibtii inay Canada, ku laabato. Sideedii subaxnimo ee kowdii bishii Febraayo, qoys daris la ahaa ayaa maqlay qaylda Ashley, waxayna garaacaysa albaaabka. Ashley waxay u sheegtay in Jack uu dilayo oo ay cabsi dareemayso. Haweeney deriska ayaa guriga tagtay si ay ula hadasho Jack Seiple oo ay xooga axaaladda u dejiso, dabadeed way soo noqotay, iyadoo kaxaysanaysa Ashley. Jack wuxuu raali galiyay Ashley ka dibna haweenaydii deriska lahayd way baxday. Xoogaa yar kadib, Ashley waxa ay fariimo u dirtay dhawr qof oo ah saaxiibadeeda kaniisada Mormon ee Chelmsford iyadoo u sheegtay inay jirto xaalad degdeg ah oo ay u baahantahay gargaar. Muddo gaaban ka dib, Jack wuxuu isticmaalay taleefoonkeeda wuxuuna farriimo u diray qof kasta isagoo u sheegaya in wax walba ay caadiyihiin. Jamie Ashworth iyo Taylor Borden, oo ay  Ashley  saaxiibo ku ahaayen kaniisadda, ayaa yimid guriga oo ku yaalla wadada Tennessean. Markii ay waayeen wax ka qabta telefoonka waxay waceen booliiska. Markii uu Jack dilka gaystay wuxuu la hadlay walaashii,isaga oo wlai walaashaadii la hadlaya ayay boolisku yimaadeen,4-tii galabnimo. Qoyska iyo dhamaan saaxiibbadii ay lahayd Ashly  ayaa ku tilmaamay in ay ahayd qof wanaagsan oo laf-dhabr u ah qoyska isla markaana ay jeclaayeen. Waxay intaa ku dareen in ay aad uga murugoodeen dilka loo gaystay oo waliba ay in badan ooyeen." https://www.bbc.com/somali/articles/c1evzj91znyo +entertainment Rihanna oo loo qaaday hees raalli gelin ah ka dib markii uu dhibaateeyay saaxibkeed "Fannaan Eminem waxaa uu hees uu soo qaaday u adeegsay reelli gelinta Rihanna ka dib markii uu la safay saaxibkeedii hore Chris Brown kaasi sannadkii 2019-kii dhibaateeyay iyada. Eminem oo soo qaaday hees raab ah ayaa si naxariis leh u raalli geliyay Rihanna, heestaas oo la soo dusiyay. ""Waan ka xumahay Rih, ulama aanan jeedin inaan adiga kaa careeysiyo"" Zeus wuxuu ka muuqday Eminem albumkiisa layaabka leh ee Muusikada. Albamka, oo uu la socda Muusigga lagu waday in Janawari soo bandhigo ayaa la sii daayay Jimcihii. Waqtiga la sii daayay heesta oo sanadkii hore ahayd, afhayeenka fannaan Eminem wuxuu yiri: ""Heestan la soo dusiyay waxay ka weyntahay 10 sano. Eminem ka dib markii uu duubay, wuu tirtiray, dibna wuu u qoray."" Brown wuxuu qirtay dambiga lagu soo oogay 2009-kii, wuxuuna lagu ganaaxay shan sano oo tijaabo ah iyo amar adeeg bulshada ah. Eminem iyo Rihanna waxay isla soo saareen albamo dhowr ah oo uu ka mid yahay Love the Way You Lie. Rihanna waxay ka mid tahay fanaaniinta heesohooda aadka loo iibsado, oo waxa laga iibiisay ilaa 250 milyan. Waxa ay sidoo kale ku caan baxday jilidda filimaanta iyo naqshadeynta dharka. Waxa ay ku dhalatay magaalada Saint Michael ee dalka Barbados, waxa ayna ku kortay magaala madaxda dalka ee Bridgetown Waxa ay halkaasi ku qaadatay waqtiyadeedii da'yarta markii uu soo saare ameerikaan ah ogaanayay hay'badeeda heesaanimada, kaas oo ka caawiyay in ay ku soo biirto shaxda Mareykanka. Sanadkii hore ayay ahayd markii waddo ay ku nooleed loo bixiyay Rihanna oo lagu sharfay. Waxay ku guuleeystay in ay noqoto qof caan ah oo ganacsiga ku xeeldheer, sidaas darteed waxay awood u leedahay in ay door weyn ka cayaarto isbedelka waddanka Barbados. fanaanaddan oo macagaceedoo dhamaystiran la yirahdo Robyn Rihanna Fenty, ayaa sannadkii 2018-kii loo magacaabay jaga sare oo safiirnimo ah. Shaqadeeda waxaa ka mid ah, hormarinta wax barashada, dalxiiska iyo maalgashiga." https://www.bbc.com/somali/war-55374752 +entertainment Sanjay Dutt: Waan ku guuleystay dagaalkii adkaa ee aan ku jiray "Xiddigga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka, Sanjay Dutt, ayaa shaaciyay inuu ka bogsaday xanuunka cancer-ka oo uu la tacaalayay bilihii lasoo dhaafay. Qoraal uu saacado ka hor soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu ""guul kasoo hoyiyay"" dagaalkii uu kula jiray cudurka. ""Dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay waxay ahaayeen waqti ku adag qoyskeyga iyo anigaba. Laakiin waxay dhahaan Ilaah wuxuu dagaalladiisa ugu adag u diraa ciidamiisa ugu awoodda badan. Maantana, iyadoo ay ku aaddan tahay munaasabadda dhalashada ilmaheyga, waxaan ku faraxsanahay inaan dagaalkan kasoo baxay anigoo guuleystay , aana awood u yeesho inaan siiyo hadiyadda ugu wanaagsan ee aan u awoodo-- oo ah caafimaadka qoyskeenna,"" ayuu Sanjay Dutt ku yidhi qoraalkiisa. ""Arrintan suuragal ma noqoteen haddii aanan taageero buuxda idinka heysanin dhammaantiin. Waxaan mahadcelin siinayaa qoyskeyga, saaxiibbada iyo dhammaan taageerayaasha i garab istaagay dhiirrigalintana ii noqday waqtigan adag. Waad ku mahadsan tihiin jacaylka, naxariista iyo ducooyinka aan tirada lahayn ee aad ii soo dirteen,"" ayuu sii raaciyay. Sanjay ayaa sidoo kale u mahad celiyay dhakhaatiirtii iyo shaqaalihii caafimaad ee sida fiican u xannaaneeyay. ""Waxaan mahadnaq gaar ah siinayaa Dr Sewanti iyo kooxdeeda dhakhaatiirta ah, kalkaalisooyinka iyo howl-wadeennada caafimaad ee isbitaalka Kokilaben, kuwaasoo si fiican ii daryeelay dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay."" Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Twitter-ka. Horaantii bishii August ayey soo baxeen wararka ku saabsan in atoorahan caanka ah uu ku dhacay cudurka dilaaga ah ee cancer-ka. Kaddib markii ay xaaladdiisa caafimaad xumaatay ayaa laga baadhay cudurka Covid-19, laakiin natiijadii soo baxday waxay sheegtay inuusan qabin fayraska. Markii dambena waxaa lasoo tabiyay in jilaaga uu culeys gudaha ah ka dareemay xabadka. Maadaama laga waayay coronavirus, dhakhaatiirta ayaa ka baaray cudurka kansarka, kaasoo ugu dambeyntiina laga helay, sida ay warbaahinta xilligaas shaaciyeen. Isla markii ay soo baxeen wararka ku saabsan in laga helay cancer, wuxuu shaaciyay inuu hakad galiyay howlihiisii jilista filimada. Isbuucii lasoo dhaafay ayuu 61 jirkan markii ugu horreysay xaqiijiyay inuu cancer ku dhacay, ""sida ugu dhaqsaha badanna uu uga adkaan doono"". Wuxuu sidoo kale sheegay in shaqadiisa filimada uu dib u billaabi doono bisha November. Sanjay Dutt oo jilay in ka badan 150 filim ayaa ka mid ah atooreyaasha loogu jecel yahay shirkadda Bollywood-ka Hindiya, muddo dheer ayuuna kusoo dhex jiray xirfaddan." https://www.bbc.com/somali/war-54632236 +religion Sheekh Zakir iyo Sheekh Gumi: Maxay diintu ka qabtaa dilka qofka Nabiga aflagaaddeeya? "Sheekh Axmed Gumi oo saldhiggiisu yahay gobolka Kaduna ee dalka Nideria ayaa hadal hayn badan dhaliyay kaddib markii uu ka digay in ""qof bani'aadan ah loo dilo sabab la xiriirta aflagaaddo uu u gaystay Nabi Muxammad NNKH"". Hadalka Sheekhan ayaa ka hor imaanaya fikirka la xiriira in la dilo cid walba oo ku xad gudubta sharafta Rasuulka CSW. Waxa uu sheekg Axmed ku adkaystay mowqifkiisa, isagoo qodobkan u cuskaday ""in Nabi Muxammad la aflagaaddeeyay isagoo nool, lana beeniyay balse uusan waligiis cidna u dilin arrintaas aargoosigeeda"". Wadaadkan oo ka mid ah culimada ugu caansan dalka Nigeria ayaa hadalkan uga fal celinayay dil dhawaan gobolka Sokoto ee waddankaas loogu gaystay haweeney lagu magacaabo Deborah Samuel. Isagoo si adag u hadlaya ayuu sheegay in ""qof walba oo ruux masiixi ah Nigeria ugu dila sabab la xiriirta inuu aflagaaddeeyay Nabiga uusan urin doonin carafta Jannada"". ""Nideria ma aha waddan ay ka jirto dowlad Islaami ah, Muslimiinta waddanka ku nool waxa ay heshiis kula jiraan dadka haysta diimaha kale, si ay wadajir ugu noolaadaan qaab nabad ah, qof walba oo gaysta dil ku salaysan diinna waxa uu galay dambi aad u wayn,"" ayuu yiri. Gumi ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Masjidka Sultan Bello ee gobolka Kaduna. Dilal la xiriira fal celinta ku aaddan ku xad gudubka diinta Islaamka ayaa sanadihii lasoo dhaafay ka dhacay meelo ka mid ah caalamka. Mid ka mid ah kuwii ugu xasaradaha badnaa waxa uu ka dhacay dalka Faransiiska, kaddib markii macallin ardaydiisa hortooda ku aflagaaddeeyay Nabiga loo gaystay dil. Culimada Muslimiinta kuwooda ugu caansan ee mowduucan marar kala duwan ka hadlay waxaa ka mid ah Sheekh Zakir Naik oo ah daaci faafiya Diinta Islaamka. Waxa uu sheegay in arrinta noocaas ah looga fal celin karo qaabab ay ka mid yihiin in lagu beeniyo dhinaca warbaahinta, baraha bulshada iyo in mudaharaadyo nabadeed looga soo hor jeesto ,balse aysan diintu qabin in la dilo qof falkaas sameeyay. ""Habka uu qofka Muslimka ah uga fal celin karo waxyaabaha meel ka dhaca ku ah Diinta Islaamka, gaar ahaan Nabiga NNKH, waxaan u kala qaadi karaa lix qaab. Habka koowaad waa in looga jawaabo dhinaca warbaahinta, meel walba oo uu ka dhaco xad gudubka, sababtoo ah haddii ay iyagu sheeganayaan inay hadalkooda xor u yihiin annaguna xor baan u nahay inaan ka jawaabno. ""Qaabka labaad waxa uu noqon karaa mudaharaad nabadaysan, tirada ka qayb galaysa intay doonto ha la ekaato laakiin inuu noqdo dibadbax nabadaysan. Qaabka saddexaad oo qof walba oo Muslim ah uu samayn karo waa in lala tiigsado dhinaca sharciga, oo tallaabo sharci ah la qaado, kiiskana maxkamad loo gudbiyo. ""Qaabka afaraad waa in la sameeyo cadaadis dhaqaale, tusaale ahaan in la mamnuuco badeecooyinka ka imaada waddanka uu xad gudubka diinta ka dhacay. Qaabka shanaad waa in la qaado tallaabo dhinaca siyaasadda ah, sida in waddan Muslim ah uu mowqif ka istaago arrintaas. ""Qaabka lixaad ee ugu dambeeya waa in la sameeyo ficil awood ku salaysan, sida in dadku ay ku gadoodaan safaaradda waddanka u gafay Islaamka. Tusaale ahaan in la gubo waddankaas calankiisa,"" ayuu yiri Sheekh Zakir Naik." https://www.bbc.com/somali/war-61509666 +sports Dhammaan ciyaaraha Kubadda Cagta ee Ingiriiska iyo Yurub oo la hakiyay "Dhammaan tartamada Kubadda Cagta ee dalka Igiriiska iyo qeybo ka mid ah Qaaradda Yurub ayaa la haliyay, sababo la xiriira cabsida Caabuqa Corona ee fidaya. Tarmada ugu caansan ee hakadka la galiyay waxaa ka mid ah horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League-ga, kaasoo balaayiin qof ay ka daawadaan caalamka daafihiisa kala duwan. Sidoo kale waxaa la wada baajiyay kulamadii tartamada EFL-ka, FA-da Haweenka iyo sidoo kale Championship-ka Haweenka ee dalka Ingiriiska. Marka ugu horreysa ee ay suurtagalka tahay in ciyaarahan qaarkood dib loo billaabo waa 3-da bisha April. Mas'uuliyiinta horyaalka Premier League-ga ayaa sheegay in tartankaas dib loo ambaqaadi doono 4-ta bisha April, iyagoo sababta loo hakiyayna ku micneeyay ""talo caafimaad iyo xaaladda hadda taagan sida ay tahay"". Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegay in dib loo dhigay kulamo ay xulka qaranka England dabayaaqada bishan la ciyaari lahaayeen dalalka Talyaaniga iyo Denmark. Mas'uuliyiinta Tartanka EFL, oo billaaban doona 3-da April, hal maalin ka hor marka uu billaabanayo Premier League-ga, ayaa sheegay in kooxaha lagula taliyay inay iska joojiyaan ""Howlaha aan aasaasiga ahayn"", sida: ""soo muuqashada ciyaartoyda, booqashada garoomada tababarka iyo kulamada taageerayaasha"". Hakadka la galiyay ciyaaraha dalka Ingiriiska ayaa yimid hal maalin kaddib markii la joojiyay qeybo badan oo ka mid ah tartamadii dhinaca ciyaaraha ee aaduunka. Galinkii dambe ee Khamiista waxaa la shaaciyay in tababaraha kooxda Arsenal, Mikel Arteta, laga helay Caabuqa Corona. Aroornimadii hore ee Jimcada maantana, weeraryahanka kooxda Chelsea, Callum Hudson-Odoi, ayaa qirtay in ay saameynta cudurkaas gaartay. Kooxda Everton ee isla horyaalka Ingiriiska ayaa iyana sheegtay in mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda joogtada ah lagu arkay calaamadaha. Horaantii isbuucan, dhowr kooxood - oo ay ka mid yihiin Arsenal, Chelsea, Leicester City, Bournemouth, Manchester City, Juventus iyo Real Madrid - ayaa shaaciyay in ciyaartoydooda oo dhan ama qaarkood iyo maamulkaba ay ku jiraan karantiil iskood ah. Madaxa Horyaalka Premier League-ga Ingiriiska, Richard Masters, ayaa yiri: ""inta lagu guda jiro xaaladdan lama filaanka ah, waxaan si dhow ula shaqeyn doonnaa dhammaan kooxaheenna, dowladda, mas'uuliyiinta FA-ga iyo kuwa EFL-ka, qof walbana waxaan u xaqiijineynaa in caafimaadka iyo badbaada ciyaartoyda iyo maamulkaba ay tahay mudnaanteenna koowaad"". Isku darka 10 ruux ayaa hadda gudaha UK ugu geeriyootay Caabuqa Corona, iyadoo la xaqiijiyay in uu ku dhacay dad gaaraya 596 ruux. Dan Roan, Tifaftire ka tirsan BBC sports Waqti aad u adag ayaa soo wajahay Kubadda Cagta Ingiriiska iyo guud ahaan caalamkaba, waxaana khasaaraya dhaqaale badan oo soo gali lahaa haddii aan hakad la galin lahayn habsami u socodka ciyaaraha. Markii si hoose arrinta loo eego, dhammaan dhinacyada ay khuseyso waxay qirsan yihiin dib u billaabista ciyaaraha ee loo qabtay horaanta bisha April ay tahay mid aan suurtagal noqon karin. Hase yeeshee waxaa rajo laga qabaa in isbuuca dambe lagu dhawaaqo go'aan muddo hal sano ah dib loogu dhigayo ciyaaraha Euro 2020. Haddii ay taasi dhacdo waxaa la helayaa waqti lagu kala maareeyo ciyaaraha baaqday ee tartamada dalalka Yurub gudahooda ah." https://www.bbc.com/somali/war-51873350 +business Muna: Dun iyo irbad ayaan ganacsi horumar leh ka sameeyey Farshaxanka laga sameeyo dunta, waxey kamid tahay tiirarka ganacsiga agabka loo isticmaalo quruxda guryaha iyo dharka, waqtigan hada la joogo, waxa jira warashado casri ah oo soo saara dharka, balse tayada iyo quruxda waxa mar walba waxa ku horeeya alaabta lagu sameeyo gacanta. Muuna Cabdullaahi Xaashi, waxay kamid tahay dhalinyarada baratay farshaxanka isla markaasna ka sameeyey ganacsi fiican. ''Waxan soo galay Kenya sannadkii 2015, waxan sugayaa in aan dhoofo, waqti ayaan joogay, waxan ku fakaray inta aan sugayo qorshaha dhoofka in aan ku fakaro in aan waxyaabo kala samaysan karo, jaaniskii ugu horeeyay ayaa noqoday in aan helo xarunta Aw-Jaamac ee magaalada Nairobi waxbarashada farshaxanka iyo farsadamada alaabaha dhaqanka, waxan ka bilaabay in aan dunta barto harqaanka, waxan bartay Kaarbadyada sida loo sameeyo, tima dabista iyo cilaanka'' sidaas waxa BBC-da u sheegtay Muna. Barashada xirfadu waxay qofka u tahay jaanis uu noloshiisa kor ugu qaadi karo, waxa u fududaada helista shaqo ama bilowga ganacsi uu lee yahay, waatan Muuna oo ka waramaysa sidii ay ku bilowday ganacsiga alaabta farshaxanka. ''Kadib markii aan ganacsigayga bilaabay oo aan guriga alaabo ku sameeyey,waxan ku fakaray halkee ku iibin kartaa,Tukaan ma furan karin oo waa qaali, baraha bulshada ayaa noqday meesha kaliya ee aan ku iibin karo farshaxankayga, markaan diyaariyo waxan ka qaada sawir kadibna waxan galiyaa baraha bulshada si ganacsigaygu u sii socdo'' Muuna waxa ku adkaatay sidii ay alaabta ay iibinayso sawiro fiican ugu heli lahayd, caqabadan waxay kaga gudubtay in ay barato sawir qaadista, waqtigan ganacsiga Muuna wuu dhamays tiran yahay. Talaabadan ay qaaday Muuna ayaa ah mid ku dayasho mudan, muddo kooban oo ay sugaysay in ay dibada u dhoofto ayaa waxa u suurta gashay in ay hesho farsamo ay ku shaqaysatay, waxay ku dhiiri galinaysaa dhalinyarada Soomaalida in ay waqtiga ka faa'idaystaan. ''Dalkii joog ama dibad joog, waxa fiican in aad qabato wax ku anfacaya oo marnaba aan kaa hadhayn, taas oo qof walba uu ku shaqaysan karo wixii uu bartay sidaas ayaan kula talinayaa'' Farsamadan ayaa noqonaysa mid la jaanqaadaysa waqtiga casriga ah ee waqtigan lagu jiro, waxa kamid ah alaabta ay Muuna iibiso, dhamaan sharaxaadaha guryaha oo kala duwan. https://www.bbc.com/somali/war-49249334 +health Xogtii ugu dambeysay ee buufinta Shiinaha ee Maraykanka dul martay iyo halka ay xiisaddu marayso "Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in go’aanka Shiinaha ee ah in buufin muuqata oo basaasnimo ah uu dul mariyo Mareykanka uu yahay “wax aan la aqbali karin oo mas’uuliyad darro ah”. Diblomaasigan sare ayaa si lama filaan ah u baajiyay safar uu ku tagi lahaa magaalada Beijing, kaasoo noqon lahaa kulankii ugu horreeyay ee heer sare ah oo Mareykanka iyo Shiinuhu ku kulmaan halkaas muddo snnado ah. Shiinaha ayaa mar sii horeysay muujiyay sida uu uga xun yahay, isagoo sheegay in ay ahayd buufin cimilada loo adeegsado oo kusoo luntay hawada Mareykanka. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Shiinaha. Gelinkii dambe ee Jimcihii, Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in buufin labaad oo Shiinees ah lagu arkay - iyadoo maraysa Latin America. ""Waxaan aragnaa warbixinnada ku saabsan buufin dhex maraysa hawada waddamada Latin America, waxaan hadda qiimeyay inay tahay buufin kale oo Shiinuhu leeyahay,"" ayuu yiri xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Brig Gen Patrick Ryder. Ma uusan bixin wax tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan halka uu ku sugan tahay buufinta labaad. Mr Blinken ayaa ku tilmaamay buufinta Shiinaha ee dul heehaabeysa Mareykanka mid ""xadgudub ku ah madax-banaanidayada"". ""Tani waa mid aan la aqbali karin iyo sidoo kale tallaabo mas'uuliyad darro ah,"" ayuu yidhi. ""Xitaa waa mas'uuliyad darro aad u badan oo lagusoo aaddiyey habeenka booqashada la qorsheeyay."" Diblomaasigan sare ee Mareykanka ayaa la qorsheeyay inuu booqdo Beijing laga bilaabo 5-ta ilaa 6-da Febraayo si uu ugala hadlo arrimo badan, oo ay ka mid yihiin amniga, Taiwan iyo Covid-19. Balse khamiistii ayey saraakiisha difaaca Maraykanku ku dhawaaqeen in ay la socdaan buufin meel sare maraysa oo ilaalo ah taas oo dul maraysa hawada Maraykanka. In kasta oo buufinta ay ahayd, sida Pentagon-ku uu sheegay mid, ""ku socdaalay meel sare oo ka sarraysa hawada ganacsiga"" oo ""oo aanay ku ahayn khatar ciidan iyo mid dhuleed dadka dhulka jooga"", hadana ku sugnaanshaha buufinta ee hawada Maraykanka ayaa dhalisay caro . Jimcihii, Shiinaha ayaa ugu dambeyntii qiray in buufinku yahay hanti uu leeyahay, isagoo sheegay in uu yahay duulimaad rayid ah oo loo isticmaalo cilmi-baarista saadaasha hawada, taas oo ka leexatay waddadii ay ku socotay cimilada oo xun awgeed. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin falkaasi, ayna kala shaqeyn doonaan Mareykanka sidii loo xalin lahaa arrintan. Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in inkasta oo Maraykanku uu garwaaqsaday sheegashada Shiinaha ee ku saabsan ujeedada buufinta, haddana ay u istaageen qiimaynta in loo isticmaalay ilaalo. Safar kale oo uu Mr Blinken ku tagayo Shiinaha ayaa la qorsheyn doonaa ""fursada ugu horraysa"", sarkaal kale oo ka tirsan waaxda gobolka ayaa yiri, isaga oo intaa ku daray in Washington ay qorsheyneyso inay sii waddo ""khadka isgaarsiinta furan"" ee ku saabsan dhacdada. Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay ku wargelisay dowladaha saaxiibka dhow la ah Mareykanka xadgudubka hawada Mareykanka laga gaystay. Bayaan uu soo saaray, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas - ayaa lagu sheegay in ay ugu yeedhay safiirka Shiinaha ee Canada dhacdadan awgeed ayna ""si adag ugu muujin doonto"" mowqifkeeda, mas'uuliyiinta Shiinaha. Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku raacay Mr Blinken in aysan ""ku habooneyn"" in uu aado Shiinaha waqtigan. Mr Biden ma uusan weydiin su'aalo ku saabsan buufinta ka dib hadallo ku saabsan dhaqaalaha Mareykanka subaxnimadii Jimcaha. Sida laga soo xigtay saraakiisha Mareykanka, buufintan ayaa dulmartay gobolka Maryakanka ee Alaska iyo Canada ka hor inta aysan ka soo muuqan gobolka Montana ee Mareykanka, halkaasoo ay ku yaalaan dhowr xarumood oo xasaasi ah oo gantaalada Nukliyeerka ah. Subaxnimadii jimcaha, buufinku waxa uu u dhaqaaqay dhanka bari ""waxa uu dul maray badhtamaha qaaradaha Maraykanka"" isaga oo jooggiisu dhan yahay 18,200m sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Cirka Sareeye Guuto Pat Ryder. Senetarka Kansas Roger Marshall ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in buufinku uu dul maray waqooyiga bari ee gobolkiisa subaxnimadii hore ee jimcaha. Gen Ryder ayaa intaa ku daray in saraakiisha Maraykanku ay isha ku hayaan buufintan ayna dib u eegis ku sameynayaan ""waxa u furan"". Waxa uu sheegay in buufinta - oo uu ku tilmaamay ""mid la xakamayn karo"" - aysan wax khatar ciidan iyo mid dhuleed toona u geysan dadka goobta ku sugan. Inkasta oo diyaaradaha dagaalka lagu wargeliyay, haddana Maraykanku waxa uu go'aansaday in aanu soo ridin cabsi laga qabo burburka soo dhacaya awgii, sida ay saraakiishu sheegeen. Mucaaradka siyaasadeed ee madaxweynaha Dimuqraadiga ayaa dalbaday in tallaabo adag laga qaado Shiinaha. Dhowr xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga - iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump - ayaa ku booriyay Mareykanka inuu soo rido shaygan basaaska lau tilmaamay. ""Soo rid buufinta,"" ayuu Mr Trump ku yiri farriin kooban oo uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth. Afhayeenka aqalka Congress-ka Kevin McCarthy ayaa asna Bartiisa Twitter-ka, ku sheegay in dhacdada buufinku ay tahay ""tallaabo xasillooni darro ah oo ay tahay in wax laga qabto"". Maamulka Biden waa inuu hadda kala dagaallamo “tukaha” Shiinaha labada dhinac ee siyaasadda. Senetarka Dimuqraadiga Montana Jon Tester ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu wali sugayo jawaabaha dhabta ah. Isagoo la hadlayay warbaahinta CBS, ayuu sarkaal Mareykan ah ku tilmaamay culeyska buufinta - qeybta ku lifaaqan ee ilaalada lagu eedeeyay - inay tahay mid weyn sida miisaanka laba ama saddex basaska dugsiga ah. Buufinka laftiisa aad ayuu u weyn yahay. Saraakiisha Shiinaha ayaa horey si cad u muujiyay xiisaha ay u qabaan ururinta awooda militari iyo sirta ee buufinnada. ""Horumarka tignoolajiyada ayaa albaab cusub u furay isticmaalka buufinnada,"" ayaa sannadkii hore lagu yiri maqaal ka soo baxay warbaahinta Liberation Army Daily oo militariga shiinuhu maamulo. Sannadkii 2022, wasaaradda gaashaandhigga Taiwan ayaa sheegtay inay ka wqar heshay buufinnada Shiinaha ee dul heehaabaya dhulkeeda." https://www.bbc.com/somali/articles/cz9pvkpz5xgo +technology Shan waxyaabood oo aad sameyn karto haddii telefoonka lagaa xado Arrintan qof walba ayay ku dhici kartaa. Bandhig faneed ayaa ka socda meel bannaan oo ka mid ah goobaha laga dukaameysto. Waadna ku raaxeysaneysaa. Xoogaa kaddib waxaad gacanta gelineysaa jeebkaaga hore. Waad qarracmeysaa. Telefoonkaaga wuu maqan yahay. Tuugada telefoonnada xada ayaa ilbiriqsi kaaga jeeb siibi kara moobilkaaga. Haddii lagaa xadana, waxaa khatar ku jira dokumentiyadaada sirta ah iyo xogtaada shakhsiyadeed. Sidoo kale, waxaad ku qasbanaaneysaa inaad lacag badan ku bixiso telefoon cusub. Haddii moobilkaaga lagaa xado, waxaa halkan kugu soo gudbineynaa qodobbo ku caawinaya, si aad isaga ilaaliso inay ku gaarto khasaaro intaas ka badan. 1. Si deg deg u xir moobilka Emilio Simoni oo ku takhasusay ammaanka qalabka casriga ah ayaa sheegay in haddii moobilka lagaa xado, waxa ugu horreeya ee aad sameyneysaa uu yahay inaad si degdeg ah u xirto. Sidoo kale waa muhiim inaad la xiiriirto shirkadda telefoonnada oo aad ka codsato inay xiraan kaarka. Si cidna aysan ug suurtogelin inay isticmaalaan telefoonka. Barta internet-ka ee shirkadda ayaad ka ogaan kartaa cidda aad arrintaas kala xiriiri karto. Furaha sirta ah ee telefoonkaaga waa inaad meel ku keydisaa. Waxaad nambarkan ka heleysaa baakadda lagu keenay teleofonka amaba moobilka qudhiisa. Sida uu ku talinayo Simoni, waa inaad beddeshaa dhammaan furayaasha sirta ee app-yada telefoonkaaga kuu gu jira. Hadii kale, tuugada teleofonka ayaa u dhici kara xogtaada iyo warbixinno kale oo muhiim ah. Guud ahaan, app-yada bankiga iyagu isma cusbooneysiiyaan. Balse iimeylada, baraha bulshada ayaa u oggolaanaya macaamiisha inay beddelaan furaha sirta. App-yada qaar ayaa oggolaanaya inaad furaha sirta ka beddesho baraha ay internet-ka ku leeyihiin. Taasna si degdeg ah ayaad wax walba u beddeli kartaa. Furayaasha sirta ee Facebook iyo Instagram ayaa la beddeli karaa. Gmail-ka ayaad ka beddeli kartaa adiga oo booqanaya qeybta xogta shakhsiga. Haddii telefoonka lagaa xado, si deg deg ah u ogeysii bankigaaga iyo waaxaha kale ee dhaqaale. Markaad sidan sameyso, bankiyada ayaa awoodi doona inay xiraan app-ka telefoonkaaga ku jira. Haddii ay dembiilayaashu lacag ka dirayaan akoonkaaga una dirayaan qof kale, taasi way joogsan doontaa. Banki walba wuxuu leeyahay qaab uu adeeggan ugu qabto macmiilka. Caadiyan waxaa lagu xusaa barta internet-ka ee bankiga. Nambarrada laga xiriiri karo bankiga ayaa sidoo kale laga heli karaa Google-ka. Waa muhiim inaad wargeliso qoyskaaga iyo saaxiibbadaa haddii telefoonka lagaa xado. Sababtoo ah dembiilayaashu waxay heli karaan nambarrada qaraabadaada iyo saaxiibbadaa waxayna ka dhigan karaan dad ay bartilmaameedsadaan. Waxay weydiisan karaan lacag amaba xogta ku saabsan bankigaaga. Hubi inaad dacwad ku saabsan xatooyada moobilka u gudbiso booliiska. Markaad sidan sameyso, waxaad caddeyn u heysataa in telefoonka lagaa xaday. Waxaad sidoo kale caddeyntan ugu baahan tahay bankiga, shirkadda caymiska iyo meelaha kale qaarkood. Marar badan, kaddib xatooyada telefoonka, dokumentiyada la xiriira xogtaada ayaa sidoo kale la xadi karaa. Haddii aadan heyn dokumentiyada aqoonsiga, dhibaato ayaa ku qabsan karta. Booliiska ayaa su'aalo ku weydiin kara. Sidaas darteed waa muhiim inaad cabasho u gudbiso booliiska. Marka aad cabasho gudbiso, booliiska ayay mas'uuliyad ka saaran tahay inay baaraan dembigaas. Booliiska ayaa sidoo kale xog ka heli kara meelaha ugu badan ee lagu xado telefoonnada. Waxayna wargelin karaan dadka ku nool goobahaas inay ka digtoonaadaan ayna ilaashadaan telefoonnadooda. https://www.bbc.com/somali/war-61119792 +entertainment Maxay tahay arrinta lala yaaban yahay ee ku saabsan laadarkan Hindiga ah? "Warbaahinta iyo baraha bulshada ee dalka Hindiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay si aad ah looga hadal hayay muuqaalka jir ahaaneed ee jilaaga xiddigga ah ee shirkadda Bollywood-ka, Danny Denzongpa. Waxay sheekadan ka billaabatay markii Ranjeet Bedi oo isagana ka mid ah jilayaasha rugcaddaaga ah uu bartiisa Instagram-ka soo geliyay muuqaal ay kula jiraan xiddigo uu ka mid yahay Danny. Balse taageerayaasha arkay muuqaalka ayaa si weyn ula yaabay sida uu Danny oo hadda ay da'diisu tahay 73 sano uu weli jirkiisa u dhisan yahay, uguna muuqdo qof dhallinyaro ah. Waxaa kale oo muuqaalkaas qayb ka ahaa jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Akbar Khan. Muuqaalka ayaa ku billowday Danny oo isku dayaya inuu ka cudur daarto wada sheekeysiga. Waxa uu isku dayay inuu istaago, isagoo dhahaya, ""Waxaan soo qaadanayaa cabitaan."" Balse Akbar ayaa celiyay, gabadh uu dhalay Ranjeet oo kaamirada gadaasheeda taagneydna waxay weydiisay: ""Cashirro aan dhammaad lahayn baad carruurtiina siiseen rag yohow."" Akbar oo kasoo dhex galay hadalka ayaa markaas kaddib ammaanay sida uu Danny wali u ilaaliyay qaab dhismeedka jirkiisa, xilli la filayay in ay da'da ka daba imaato. Akhbar iyo saaxiibkiisa uu la yaabay jir dhiskiisa waxa ay sheegeen in labadooduba ay sidoo kale dhaleen min hal gabadh. Danny oo ay Soomaalida aad ugu yaqaannaan doorkiisa laadarnimada ee cajiibka ahaa ayaa weli kasii hor muuqda dadka daawada filimada. Xirfaddiisa waxa uu ka billaabay filimka Zaroorat oo soo baxay sanadkii 1972-kii. Filimkaas oo uu si fiican ugu guuleystay ayuu ku caddeeyay sida uu ugu wanaagsan yahay doorka laadarnimada. Ninkan oo dhashay 25 February 1948, ayaa sidoo kale fannaan ah, waxa uuna markii dmabe isu baddalay filim soo saare ka shaqeeya aflaanta Hindiga. Tan iyo 1971-kii waxa uu soo jilay in ka badan 190 filim oo uu si weyn uga dhex muuqday. Sanadkii 2003-dii, Denzongpa waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Padma Shree, oo ah tan afaraad ee ugu sarreysa waddanka Hindiya ee lagu sharfo dadka aan siyaasadda ku lugta lahayn. Xirfaddiisa dhinaca filimada waxa ay soo socotay in ka badan 40 sano." https://www.bbc.com/somali/war-60173761 +politics Dagaalka Ukraine: UK oo ku dhawaaqday lix qodob oo looga adkaan karo Putin "Ra'iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, oo wareysi siinayay wargeyska New York Times, ayaa sheegay in madaxda caalamka laga doonayo in ay kordhiyaan dadaalka loogu jiro sidii uu u guul darreysan lahaa dagaalka ""naxdinta leh"" ee uu Ruushku ku qaaday waddanka Ukraine. ""Taariikhda ma aha waxa nala xisaabtami doono mustaqbalka, balse waa dadka reer Ukraine,"" ayuu yidhi Johnson. Ra'iisul Wasaaraha Britain ayaa ku dhawaaqay qorshe lix qodob ka kooban oo uu doonayo in lagu hor istaago dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine ee uu hoggaaminayo Vladimir Putin. Waxaa ka mid ah in la xoojiyo difaacyada isbahaysiga Nato ee ku dhow xuduudaha Ruushka. Hase yeeshee Xisbiga Shaqaalaha ee Britain ayaa ku eedeeyay Ra'iisul Wasaaraha in uusan si deg deg ah u qaadanin go'aannada uu cunaqabateynta ugu soo rogay Ruushka, kuwaasoo ay sheegeen in uu la daahay. Ka hor inta aan la gaadhin kulan uu la yeelan doono madaxda caalamka, ayuu Johnson ku yidhi: ""Putin waa in uu guul darreysto, caalamkuna waa in uu arko guul darradiisa ka dhalatay gardarradiisa."" ""Naguma filna inaan taageero u muujinno in dunida ay ku shaqeyso nidaam ku dhisan sharciyo - balse sidoo kale waa inaan didaacno arrintaas, kana celinno isku dayada lagu burburinayo sharciyadaas ee loo adeegsanayo awoodda militeri,"" ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Weerarka uu Ruushka ku galay Ukraine waxaa cambaareeyay 141 waddan oo ka qayb galay shir deg deg ah oo isbuucan ay yeesheen dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. UK ayaa 39 waddan la kaashatay dadaal ay ku dooneyso in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ay soo farogeliso dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine. Bayaan kasoo baxay dowladda Britain ayaa lagu sheegay in Ra'iisul Wasaare Boris Johnson uu ka codsan doono hoggaamiyeyaasha caalamka in ay ""sameeyaan dadaal cusub"" oo lagu joojinayo weerarka madaxweyne Vladimir Putin ee ka dhanka ah Ukraine. Johnson ayaa hoosta ka xariiqay 6 qodob oo ku aaddan sidii cadaadiska loogu xoojin lahaa Putin, waxayna kala yihiin: Ra'iisul Wasaaraha Britain ayaa sidoo kale la filayaa in uu farriintiisa kusoo bandhigo kulan uu la yeelan doono Ra'iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, iyo Ra'iisul Wasaaraha Dutch-ka, Mark Rutte. Kulanka saddexda hoggaamiye ayaa Isniinta ka dhici doona xarunta dowladda UK ee magaalada London. Maalinta Talaadada ah ee xigtana, Mr Johnson waxa uu marti gelin doonaa madaxda waddamada ku bahoobay isbahaysiga Visegrad ee bartamaha Yurub, oo kala ah Czech Republic, Hungary, Poland iyo Slovakia. Dowladda UK ayaa sheegtay in wdadamadas ay horayba hadda u dareemayaan dhibaatada ka dhalatay dagaalka ee dhanka bani'aadannimo, maadaama in ka badan 1.4 milyan oo shacabka reer Ukraine ah ay ku bara kaceen maalmo gudahood." https://www.bbc.com/somali/war-60639705 +health Mercy Baguma: Hooyo meydkeeda laga helay cunugeeda oo 'baahi daran heyso' agtiisa "Baadhitaan ayaa lagu sameynayaa dhacdo ku saabsan geerida hooyo meydkeeda laga helay meel uu yaallau cunigeeda oo lagu soo warramay in ay markaas nafaqo darro aad u xun heysay. Mercy Baguma, oo asal ahaan kasoo jeedday waddanka Uganda, ayaa meydkeeda Axaddii ay bishan August 22 ahayd laga helay guri ku yaalla magaalada Glasgow. Markii ugu horreysay ee lagu baraarugay waxaa la maqlay oohinta cunugeeda. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in geerideeda ilaa hadda aan la garaneynin sababta keentay, laakiin wax shaki ah uusan ku jirin in la weeraray. Hay'adda ka shaqeysa arrimaha qaxootiga iyo gurigeynta ayaa sheegtay in Ms Baguma ay dalbatay magangalyo, ayna ku nooleyd ""xaalad aad saboolnimo u ah"". Waxay hay'addu intaas ku dartay in haweeneydan ay shaqadeeda weysay kaddib markii uu ka dhacay oggolaanshihii shaqo ee gudaha UK. Wiilkeeda yar ayaa goobta uu meydkeeda yaallay laga helay isagoo oynaya, ""tabardarrana ka qaaday baahi heysay dhowr maalmood"", sida ay sheegtay Robina Qureshi, oo ah agaasimaha hay'adda samafalka ah. Wiilka ayaa loo qaaday isbitaalka, waxaana laga saaray 24-kii isla bishan August, isagoo hadda la nool aabihiis. Hay'adda samafalka ah waxay sheegtay in Ms Baguma ay iyaga lasoo xidhiidhtay dhowr isbuuc ka hor, xilligaas oo ay u sheegtay in aysan heysanin lacag ku filan nolosheeda iyo tan cunuggeeda. Hay'ad kale oo samafal ah, oo lagu magacaabo African Challenge Scotland, ayaa baraha bulshada ku shaacisay muuqaal laga arkayo Ms Baguma oo u mahadcelineysa shaqaalaheeda isxilqaamka sameeya oo raashin gurigeeda ugu geeyay horaantii bishii June. Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dadweynaha ayaa yidhi: ""Tani waa xaalad musiibo ah, waxaana tacsi u direynaa qoyska Ms Baguma."" Wuxuu intaas ku daray: ""Xafiiskeennu wuxuu si dhab ah u qaaday mas'uuliyadda dhammaan dadka magangalyo doonka ah, waxaana baadhitaan buuxa ku sameyn doonnaa kiiska Ms Baguma."" Saxiibbada iyo qaraabaha haweeneydan ayaa walwal dareemay kaddib markii ay wax xidhiidh ah ka waayeen maalintii Talaadada ahayd ee 18-kii bisha. Ms Qureshi waxay tidhi: ""Maxaa hooyooyinka iyo carruurta magaalada looga tagay iyagoo baahan, maxaase hay'adaha samafalka iyo dadka isxilqaama loogu daawayay inay iyaga toosiyaan wax walba oo halleysan?"" Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey intaas raacisay: ""Hooyadan ma noolaan lahayd haddii aan shaqadeeda laga soo eryi lahayn, oo uusan saameyn lahayn nidaamkan qallafsan ee warqad oggolaansho ah darteed kaaga hor istaagaya inaad shaqeyso si aad noloshaada u maareysid? Waan hubaa in Mercy wiilkeeda uu su'aashan iyo kuwo kaleba la imaan doono marka uu weynaado."" Hay'adda samafalka ah ee ay ka howl gasho Ms Qureshi ayaa sheegtay in geerida Ms Baguma ay tahay tii ugu dambeysay ee ku dhacday qaxootiga Glasgow muddo ka yar afar bilood gudahood. Hal nin ayaa toogasho lagu dilay kaddib markii uu toorri la dhacay lix ruux oo uu ku jiro askari boolis ah, wuxuuna falkaas ka dhacay Park Inn, Arbacadii ay taariikhdu ku beegneyd 26-kii bishii June. Billowgii bishii May, nin qaxooti ah oo u dhashay Suuriya, oo da'diisa lagu sheegay 30 sano ayaa meydkiisa laga helay qof uu ka dagganaa hoteel uu si ku meel gaadh ah u joogay oo ku yaalla Glasgow. Ninkaas ayaa lagu magacaabi jiray Adnan Walid Elbi. Jen Layden, oo arrimaha xuquuqda aadanaha iyo sinnaanta u qaabilsan maamulka Glasgow, ayaa tidhi: ""Geerida musiibada ah ee hooyada da'da yar waa mid aad u xanuun badan, waana u tacsiyeynayaa qoyska iyo saaxiibbada Mercy - oo uu ku jiro wiilkeeda - xilligan murugada badan."" ""Hadda waxaa isku dayeynaa inaan ogaanno dhammaan xaqiiqooyinka ku saabsan kiiska Mercy, waxaana xog dheeraad ah ka sugeynaa waaxda arrimaha dadweynaha."" Hay'adda ""Positive Action in Housing"" oo ka howl gasha Glasgow, ayaa mar kale ku celisay baaqeeda ku aaddan in baadhitaan madax-bannaan lagu sameeyo arrimaha la xidhiidha hoyga dadka magangalyo doonka ah, xilligan uu socdo cudurka safmarka ah ee coronavirus." https://www.bbc.com/somali/war-53921251 +politics Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya: Labada waddan midkee daandaansiga wado? "Dowladda Soomaaliya ayaa muddo 7 maalmood ah u qabatay diblumaasiyiinta Kenya ee dalka ka howlgala in ay oga baxaan waddanka. Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay xiriirka u jareen. ""Dowladda Soomaaliya iyaadoo ka duuleeysa madax-banaanideeda qaran ee uu dammaanad qaadaya xeerka iyo qeynuunka caalamiga ah, gudaneysana waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta qaranimada, midnimada iyo xasiloonida ka saaran dalka, waxay go'aansantay iney xiriirka diblomaasiyadeed u jarto dowladda Kenya."" Arrintan waxay daba socotaa xilli dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee November ay mar kale soo cusboonaatay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya kaddib markii ay dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedeysay dhiggeeda Kenya in aysan u qaddarineynin sida dal la siman oo kale. Dowladda Soomaaliya ayaa markaas wadatashi ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee Fadhiya Kenya, sidoo kalena waxaa dalkiisa loo diray safiirkii Kenya u fadhiyay Muqdisho. Xurgufta labada waddan ee soo socotay waxay ka soo billaabatay murankii xadka badda ee sannadihii lasoo dhaafay cirka isku shareerayay, walina kiiskiisa uu hor yaallo maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda. Laakiin arrimaha xiisadda hadda cusbooneysiiyay waxaa ka mid ah eedeynta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jeedisay Kenya inay taageerto maamulka Jubbaland, iyadoo la ogyahay in uu khilaaf siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay uu ka dhaxeeyo madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedkaas. Qodobbada kale ee ku gadaaman xasaradda labada dal ee dariska ah waa in Soomaaliya ay xayirtay ganacsigii qaadka ee ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya, kaasoo xukuumadda Nairobi uu uga soo xaroon jiray dhaqaale xoog leh. Xilligan oo ay Soomaaliya kusoo fool leedahay doorasho ay mucaaradka hannaankeeda saluugsan yihiin ayey qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo hor jeeda maamulka hadda jira sheegayaan in aysan dowladdu daacad ka ahayn howlaha la xiriira doorashadaas. Mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee ay dadka wax falanqeeya u aaneynayaan sababaha khilaafka soo cusbooneysiiyay waa in dowladda Soomaaliya ay dareemeyso cadho ku aaddan in Kenya ay hoy u tahay mucaaradka iyada ka soo hor jeeda. Qodobkan dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo qudheeda ma aysan qarsanin sida ay uga xanaaqsan tahay. Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo 2-dii bishan December warfidiyeenka kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay ""in Kenya ay noqotay meel ay ku hirtaan mucaaradka damacsan in ay meesha ka saaraan hannaanka dowladeed ee hadda jira"". ""Intii ay Soomaaliya soo kabatay, marna ma dhicin in hal siyaasi oo mucaarad ku ah dowladnimada Kenya laga soo abaabulo Muqdisho iyo Soomaaliya, si loogu khalkhal galiyo dariska. Laakiin taas baddalkeeda, Nairobi waxay noqotay meesha lagaga soo duulo Soomaaliya, lagaga noqdo heshiisyada lagu gaadho Soomaaliya gudaheeda, lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed ee lagu doonayo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee dalkeenna,"" ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya. Laakiin Kenya ayaa dhankeeda dowladda Soomaaliya ku eedeysay in ay marmarsiiyo aan jirin ka dhiganeyso cudurka Covid-19 si ay ugu mamnuucdo ganacsiga qaadka ee looga soo dhoofiyo Kenya, laakiin wali duullimaadyada qaadka wada ee ka imaada Itoobiya loo oggol yahay inay tagaan Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska The East African. Mamnuucista ganacsiga qaadka ee la geeyo Soomaaliya wuxuu saameyn adag u geysanayaa kumannaan ka mid ah beeraleyda qaadka abuura ee Kenya. Dacwadda ku aaddan muranka dhanka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka mid ah waxyaabaha loo aanaynayo xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan labada dal. Soomaaliya ayaa Maxkamadda Caddaalada ee Caalamiga ah u gudbisay gal dacwadeed ku aaddan muranka dhanka badda ee kala dhexeeya Kenya, hase ahaatee labada dalba waxay muujinayaan Kalsooni ku aaddan kiiska maxkamadda yaal. Qaar ka mid ah dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in dacwaddaasi ay ka caraysiisay Kenya oo aamminsan in labada dal ay dhexdooda ka heshiin kareen oo ay aysan ahayn in heerkaas la gaarsiiyo. Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa ka mid ah dadka aamisan in la sugo natiijada maxamadda ICJ ee aan lagu kadsoomin rajada ay sheeganayaan labada dhinac ee is haya. ""Masuuliyiinta Kenya markaad waydiisid waxay kuu sheegayaan 'rajadeennu aad ayay u fiican tahay', markaad Soomaalida waydiisidna waxay leeyihiin 'rajadeennu aad ayay u fiican tahay', kolley maxkamadda ayaa go'aan ka gaari doonta"", ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/war-55234732 +health Coronavirus: 'Ha isticmaalin dawo aan lasoo tijaabin' "Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ayaa digniin kasoo saartay isticmaalka dawo aan la tijaabin oo looga hortaggayo cudurka corona. 'Shacabka Afrikaanka waxay mudan yihiin inay helaan dawooyin lasoo marsiiyay tijaabooyin haboon xitaa haddii ay ahaato dawo dhireed"" ayay tiri WHO. Hadalka Ha'yadda Caafimaadka ayaa imaanaya kadib markii uu madaxweynaha Madagascar soo bandhigay dawo dhireed uu sheegay inay ku fiyoobayaan dadka qaba faysarka Corona. Ururka Midowga Afrika wuxuu sheegay inay doonayaan inay hubiyaan caafimaad ahaan waxtarka iyo badqabka dawada. Agaasimaha madaxtooyada Madagascar, Lova Hasinirina Ranoromaro, ayaa BBC u sheegtay in ku dhawaad 20 qof muddo saddex todobaad ah lagu tijaabinayay dawadan, tallaabadaas oo kasoo horjeedda talooyinka tijaabada dawooyinka ay soo jeedisay Ha'yadda Caafimaadka Adduunka. Tijaabada dawooyinka waxaa la marsiiyaa hanaan dheer oo lagu xaqiijinayo wax tarkeeda ilaa afar heer ayaa la marsiiyaa, marka hore waxaa lagu tijaabiyaa tiro kamid ah bukaanada, waxaana marka xiga la gaarsiinaya dad badan oo ku nool dal. Dhowr dal oo Afrikaan ah oo ay kamid yihiin Guinea-Bissau, Equatorial Guinea iyo Liberia ayaa dalbaday dawo dhireedka. Toddobaadkii lasoo dhaafay madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina wuxuu hogaamiyeyaasha Afrikaanka uga warbixiyay dawada uu soo saaray xilli ay ka qeybgalayeen shir muuqaal ah. Kulankaas kaddib waxay soo jeediyeen in xarunta Afrika ee xakameynta cudurrada ay qaab cilmiyeysan u hubin doonto waxtarkeeda. Ha'yadda Caafimaadka Adduunka waxay soo dhaweysay waxyaabaha Ikhtiraacyada cusub ay qaaradda ku dhaqaaqday ee ku saabsan dawo dhaqameedka balse waxay ku xirtay in la tijaabiyo. ""Afrikaanku waxay mudan yihiin inay adeegsadaan dawo lasoo tijaabiyay oo lamid ah heerarka ay soo mareen dawooyinka laga isticmaalo dunida inteeda kale"" Isniintii, waxay dalalka yabooheen in ka badan 8 balyan oo doolar oo loogu talagalay in lagu soo saaro tallaal looga hortaggo cudurka Covid-19 isla markaana lagu maalgelinayo cilmi baarista ku saabsan baaritaanada iyo daweynta cudurka. Dunida waxay baadi-goob ugu jirtaa sidii loo heli lahaa talaalka cudurka Corona. Kuburrada intooda badan waxay sheegayaan in helidda tallaalka uu qaadan karo ilaa bartamaha sannadka 2021-ka. Dhowr dal oo Afrikaan waxay bilaabeen tallaabooyin ay uga hortaggayaan fiditaanka cudurka corona, waxay dalalkooda kusoo rogeen xayiraado iyo bandow, waxaa la qaadaya bandowga si dowladuhu ay isugu dheelitiraan xoojinta arrimaha caafimaadka iyo danaha dhaqaale. Dabcinta xayiraadaha waxaa kusoo kordhay dadaallada deg deg ah ee lagu raadinayo dawo. Madagascar waxay xaqiijisay 151 qof oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 balse ma aysan tebin cid u dhimatay cudurka sida laga soo xigtay xarunta la dagaalanka cudurrada ee Afrika. Madaxweynaha Madagascar wuxuu xayiraad kusoo rogay ilaa saddex magaalo oo waaweyn balse waxaa la dabciyay xayiraaddaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP." https://www.bbc.com/somali/war-52547306 +business Tanishq: Maxaa loo joojiyay xayeysiiska dahabka ee isdhexgalka diimaha Islaamka iyo Hindu-ga? "Shirkadda caanka ah ee dahabka Hindiya ee loo garanayo Tanishq ayaa dib ula noqotay xayeysiin ay ka sameysay lamaane kala haysta diimo kala duwan ka dib markii weerar culus oo dhanka baraha bulshada ah kala kulmeen xagjiriinta dhanka midig u janjeera. Waxaa xayeysiinta ka muuqday xaflad ay gabadha oo haysata diinta Hinduga u diyaariyeen dumaashiyaasheeda oo Muslimiin ah. Dadka ka soo horjeestay ii dhehda waxay sheegeen in ay dhiiragelineyso ""jihaadka jaceylka"". Waa ereyo ay xagjiriinta Hindu-ga ah ku eedeeyaan ragga Muslimiinta ee guursada gabadhaha haysta diinta Hindu-ga, ka dib marka ay Muslimiyaan. Ururada u dooda xuquuqda aadanaha waxay sheegayaan in isu dulqaadashada dadka haysta diimaha kala duwan iyo isdhexgalka ee dalka Hindiya ay halis wayn ku jiraan. Guurka dhexmara Hindu-ga iyo Muslimiinta waxay ahayd arrin muddo ay dood adag ka taagnayd. Si kastaba, ereyga ujeedada fog leh ee dhibka keeni kara - ee ""Jaceylka Jihaadka"" - waa mid dhowaanahan bilowday oo cusub. Koox mayil adag oo baraha bulshada adeegsata ayaa hoggaaminayay dalab ah in shirkaddaas dahabkeeda aanan la iibsan. Waxayna noqotay arrintii loogu hadal haynta badnaa ee Twitter-ka. Sidoo kale, dad kale oo badan ayaa ku soo biiray oo cambaareynayay hadallada gefka iyo xanafta leh ee ay soo qorayeen qaar ka mid ah dadkii aragtida isku dhaafsanayay Twitter-ka. Xayeysiiska oo YouTube la geliyay waxaa lagu sheegayay: ""Waxay guursatay qoys u jeceyl sida carruurtooda. Iyada darteed ayey u bexeen si ay ugu dabaaldegaan xaflad aysan iyaga weligood sameysanin. Waa kalgacayl dhexmaraya laba diin, dhaqan iyo caado oo kala duwan."" Ii dhehda oo 43-ilbiriqsi ahayd, waxaa lagu xayeysiinayay dahabka loo garanayo ""Ekatvam"" (oo micnihiisu yahay midnimo) - balse markii dambe waa laga saaray baraha bulshada Tanishq. Shirkadda oo markii dambe soo saartay war qoraal ah waxay sheegtay in ujeedada ay ahayd dhiiragelinta isdhexgalka diimaha kala duwan, balse ay dib ula noqotay ii dhehda ka dib ""falcelin adag oo kala duwan oo ka dhalatay"" oo ah in wax kale ay horseeday, taas oo ay ku tilmaamtay ""arrin lid ku ah ujeedadii laga lahaa xayeysiiska"". Shirkadda waxay sheegtay in go'aanka dib u celinta ii dhehda uu la xiriiro badqabka shaqaalaheeda iyo dadka iskaashatada la ah. Xildhibaan ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Congress party, Shashi Tharoor, oo bartiisa Twitterka soo dhigay ii dhehda ayaa yiri: ""Hindutva-ga aan dulqaadka leheyn waxay ku baaqeen in laga soo horjeesto shirkadda, oo keliya dhiiragelisay midnimada Muslimiinta iyo Hindu-ga oo ii dhedan quruxda badan ka sameysay"". ""Haddii 'ekatvam-ka' Muslimka iyo Hindu-ga ay si wayn uga caroodeen, maxay u diidi waayeen astaanta ugu wakhtiga dheer ee mideysa Muslim-Hindu - ee Hindiya?"" ayuu qoray Tharoor. Inta badan qoysaska Hindiya waxay jeceyl yihiin in ay guursadaa qof ay isku diin yihiin ama ay isku dabaqad dhanka bulshada ka yihiin; Sidoo kale guurka ka baxsan arrimahaas waxaa ka dhasha rabshado sida in qof ka mid ah lamaanahaas ay dilaan qaraabada ama dad kale. Sida lagu ogaaday kormeer dhanka bulshada ah, keliya 5% ee dhammaan guurka ayaa ka ah isdhexgal dabaqad ama diin. Waana kuwo aad u yar lamaanaha sidaa ah in lagu arko Hindiya. Dadka u ololeeya arrimaha jinsiyadda waxay sheegayaan in masuuliyadda ku dhaqanka caadada reerka ""iyo ilaalinta sharafta"" in ay ku xiran tahay gabadha. Haddii ay guursato qof ka baxsan xeydaabka dhaqankeeda, waxaa loo arkayaa in ay tahay qof dhaawac gaarsiiyay sumcadda qoyska iyo bulshada ay ka soo jeedo. Taas waxay dhib u dhac ku tahay Hindiya oo bulshooyiinka haysta diimaha kala duwan ay sii badanayaan. Dowlad mayal-adag oo Hindu ah ayaana awoodda dalkaas haysay tan iyo sannadkii 2014-kii, waxaana lagu eedeeyay in ay si adag uga soo horjeedo Muslimiinta iyo in ay aqbashay hadallada naceybka ah ee ka dhanka ah Islaamka. Sannadkii 2018, Waxaa la tirtiray muuqaal la geliyay Facebook oo lagu dalbanayay in la weerarro 102 nin oo Muslimiin ah oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin dumar Hindu ah. Farriinta waxay dadka Hindu-ga u sheegeysay ""in ay raadiyaan magacyo lagu qoray boggaas, ayna ugaarsadaan raggaa"", waxaana farriintaa ka dhashay xanaaq bulsho." https://www.bbc.com/somali/war-54525361 +sports Tartanka horyaalka Spain ee La Liga oo dib u bilaabmaya "Ra'isal wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ayaa sheegay in tartanka horyaalka kubadda cagta La Liga ee dalkaasi dib u furmi doono laga bilaabo 8 Juun hase yeeshee aan taageerayaasha loo ogolaan doonin in ay garoonnada tagaan. Gudoomiyaha xidhiidhka tartankaa agaasimaha, Javier Tebas, ayaa sheegay in uu rajaynayo inuu tartankaasi furmo 12 Juun, inkasta oo aan weli maalin cayiman loo qaban bilowgiisa. Ciyaartoyga La Liga ayaa todbaadkan bilaabay tabobarrada ay isugu diyaarinayaan ciyaaraha oo aanay toban qof wax ka badan markiiba meel wada joogi karin. ""Spain wixii ay qaban kari lahayd way qabatay haatanna waa cusub baa u beryaya qof kasta. Waxa la gaadhay goortii hawl maalmeedkii caadiga ahaa lagu noqon lahaa"" ayuu yidhi Sanchez. Waxaanu intaa ku daray ""laga bilaabo 8 Juun, La Liga dib uu furmi doonaa. Ciyaaraha kubadda cagta ee Spain waxay leeyihiin taageerayaal badan hase yeeshee keligood noqon maayaan waxyaabaha madadaalada ah ee dib u bilaabmi doona"". Kooxaha Premier League oo isku khilaafsan bilaabashada horyaalka Jarmalka oo billaabay kubad aysan daawaneyn taageerayaal Muxuu Ighalo ugu qanacsanyahay garoonka Old Trafford? Heerka labaad ee ciyaaraha kubadda cagta dalkaas ayaa sidoo kale la filayaa in ay dib u bilaabmaan isla wakhtiga horyaalku bilaabmi doono. Waxaanay wararku tibaaxayaan in ciyaarta u horraysaa noqon doonto mid adag oo ay gorrodda isku dari doonaan labada kooxood ee isku magaalada ah ee Sevilla iyo Real Betis . ""Aad baanu ugu faraxsannahay go'aankaas"" ayuu yidhi Tebas. ""Waa natiijo ka dhalatay hawl adag oo ay galeen kooxaha, ciyaartoyda, tabobarayaasha iyo golaha isboortiga. Laakiin foojinnaanta meesha ka saari mayno, waxaana muhiim ah in la raaco xeerarka caafimaadka si aan cudurku dib inoogu laba kaclayn"" ayuu ku sii daray. Ciyaaraha kubadda cagta ee Spain waxa 12 Maarij loo hakiyey saf-marka korona awgii. Ciyaartoyga labada heer ee sare ayaa loo ogolaaday in ay tabobarradoodii shakhsiga ahaa bilaabaan horraantii bishan May ka dib markii laga baadhay fayraska. Shan ciyaartoy ayaa laga helay fayraska guud ahaan ba ciyaartoyga Spain iyaguna waxay isku karantiimeeyeen guryahooda muddo oo markii dambe waxa loo ogolaaday inay ka soo baxaan 18 May. Tartanka hoyaalka waxa ka hadhsan 11 ciyaarood xilli ciyaareedkan waxaana hogaanka u haysa kooxda Barcelona oo laba dhibcood ka horraysa kooxda Real Madrid. Dhanka kale horyaalka Portual ee Primeira Liga ayaa isna dib u bilaabmi doona 3 Juun, oo waxa ciyaarta ugu horraysaa dhex mari doontaa kooxaha Portimonese iyo Gil Vecent halka Famalicao iyo Porto oo hogaanka haysaana gorrodda is dari doonaan. Porto waxay kooxda xafiiltanka weyni dhex yaal ee Benfica ka horaysaa dhibi keliya waxaana hadhsan 10 ciyaarood." https://www.bbc.com/somali/52788273 +religion Muxuu yahay 'faquuqa' ay Muslimiintan ka sheegayaan warbaahinta caalamka? "Guddiga Muslimiinta ee dalka Britain ayaa hirgeliyey olole ay barlaamaanka uga dalbanayaan in warbaahinta ay samayso cadaalad dhanka warbixinadooda ah. Guddiga ayaa sheegay inay ""dhibaato weyn"" ka jirto sida ay warbaahinta UK uga hadlaan Islaamka iyo Muslimiinta. Waxay soo bandhigeen qoraalo ama faallooyin gaaraya 10,000 iyo muqaalo baxay saddexdii bilood ee la soo dhaafay, 59% oo ka mid ah warbixinadaas ayaa ahaa kuwa Musliimiinta looga hadlayo hab aanan wanaagsanayn. Baaritanka ayaa waxa lagu sheegay inay warbaahinta qaranka iyo saxaafadda kale ee jirta dalka ay qayb ka tahay hadalada nacaybka ee lagu tilmaamayo Muslimiinta. Waaxda Ipso ee ra'yi uruurinta ayaa la rajaynayaa inay soo saaran xeer cusub oo ay warbaahinta ku dhaqmaan marka ay ka hadlaayaan arrimaha ku saabsan Muslimiinta. Guddiga ayaa maanta baarlamaanka horkeenaya cadaymahooda. Guddiga ayaa matalada rabitaanka Muslimiinta ku nool gudaha dalka Ingiriiska. Baaritanka ayaa waxa lagu sheegay in wargayska Daily Mail uu sameeyey warbixinada ugu badan ee ay Muslimiinta ka cabanayaan. Waa warbixintii ugu horreysay ee taxane baaritan ah ee ay wadaan guddigan sida uu sheegay Faysal Hanid oo warbixintaan qayb ka diyaariyey. Baarayaasha ayaa helay in qaabka warbixinada ku saabsan Muslimiinta loo tabiyo ay ku jiraan ama diiradda lagu saaro dabeecado qalafsan iyo arrima la xiriira nacayb. Mid ka mid ah aqoonyahanada oo lagu magacaabo Kerry Moore, ayaa BBC u sheegay in warbixinada noocaas ah ay yihiin kuwa ""cadaalad darro ah"" Baaritan laga sameeyey warbaahinta Ingiriiska oo ay qaaday Jaamacadda Leeds ayaa falanqaysay warbixinno ay sameeyeen wargaysyada dalka October iyo December 2011. Waxay soo saareen inay jiraan dhacdooyinka la xiriira ""Islaam nacaybka"" oo lagu qoray qaar ka mid ah warbaahinada. Guddiga Musliimiinta ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay "" in UK ay tahay dalka ay ku noolyihiin qowmiyado badan loona baahanyahay in dhamaantood xaqooda la siiyo." https://www.bbc.com/somali/war-48920735 +sports Ballon d'Or: Lionel Messi oo markii toddobaad ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka "Weeraryahanka kooxda Paris St-Germain iyo xulka qaranka Argentina, Lionel Messi, ayaa markii toddobaad ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or - oo la siiyo ciyaartoyga kubadda cagta ee ugu wanaagsanaa sannadka. Messi, oo 34 jir ah ayaa waddankiisa ka caawiyay inuu ku guuleysto tartanka Copa America, oo noqday koobkii ugu horreeyay ee caalami ah oo ciyaartoygan uu helo, waxaana uu dhaliyay 40 gool sanadkan 2021-ka gudihiisa - kuwaasoo 28 ka mid ah uu u dhaliyay Barcelona, 4 uu u dhaliyay Paris St-Germain, halka 8 kalena uu u dhaliyay Argentina. Weeraryahanka kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Poland, Robert Lewandowski, ayaa soo galay kaalinta labaad, halka kaalinta saddexaadna uu ku jiray ciyaartoyga khadka dhexe ee kooxda Chelsea iyo waddanka Talyaaniga, Jorginho. Gool dhaliyaha Real Madrid, Karim Benzema, oo u dhashay Faransiiska ayaa soo galay kaalinta afaraad. Abaalmarinta Ballon d'Or waxaa u codeeya 180 wariye oo ka kala socda guud ahaan caalamka, inkastoo aan cidna la siinin sanadkii 2020-kii sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee corona. Intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2019, Messi ama Cristiano Ronaldo (oo ku guuleystay shan jeer) midkood ayaa qaadanayay abaalmarintan, marka laga reebo sanadkii 2018-kii oo uu ku guuleystay laacibka khadka dhexe ee xulka Croatia iyo kooxda Real Madrid, Luka Modric. Messi ayaa billaddan horayba ugu guuleystay wax ka badan ciyaartoyda kale ee kubbadda, guushiisa marka toddobaad ahna waxay imaaneysaa kaddib markii uu abaalmarintan horay usoo qaatay sannadihii 2009, 2010, 2011, 2012, 2015 iyo 2019. ""Waa arrin aad u wanaagsan inaan halkan joogo mar kale,"" ayuu ku yiri khudbad uu ka jeediyay munaasabadda oo lagu qabtay xarunta Theatre du Chatelet ee magaalada Paris. ""Labo sano ka hor waxaan u maleynayay inay ahayd markii ugu dambeysay ee aan helo. Dadku waxay billaabeen inay i weydiiyaan xilliga aan ka fariisanayo kubbadda, balse hadda waxaan joogaa Paris, waana faraxsanahay. ""Kani wuxuu ii yahay sannad khaas ah, maadaama aan sidoo kale helay Copa America,"" ayuu yiri Messi." https://www.bbc.com/somali/war-59471875 +health Sida la isaga ilaaliyo shiirka jirka iyo khatarta ku gedaaman Subaxdii marka aan qubeysanno ka dib waxa ugu horreeya ee aan samayno waa in aan is carfinno. Labiska ka hor, dad badan ayaa marka hore jirkooda ku buufiya carfisada jidhka. Markaas ka dib ayey shaqadeenna maalin laha ah inoo bilabataa. Balse habkee loo isticmaali karaa harfinta. Waxyaabaha la isku udgiyo waxay ka shaqeeyaan inay jirka ka fogeeyaan in uu yeesho ur aan wanaagsanayn. Kiimikooyinka qaarkood ee ku jira carfiyeyaashu waxay joojiyaan koritaanka bakteeriyada dhididka soo saarta. Sidaa darteed, waxay kaa caawinaysaa xakamaynta urta xun ee dhididka. Noocyada alaabta la isku carfiyo ee hadda suuqa laga helo waxaa ka mid ah sida carfisada jidhka lagu buufiyo, kuwa dareere ah iyo kuwa lagu xoqo meelo ka mid ah jidhka sida kilkisha ka dibna waxay ku reebaan labeen adag oo xakameysa bakteeriyada dhididka sameysa. Balse waligaa ma is weydiisay in isticmaalka waxyaabahani ku dili karaan? Sababtoo ah, waxaa dhawaan la shaaciyay in gabar 14 jir ah ay ku dhimatay UK ka dib markii ay isku buufisay carfiso. Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Georgia Green ayaa geeriyootay ka dib markii ay sambabbada ka gaareen qiiqa ka baxayay waxa ay isku buufisa, sida lagu sheegay warqaddeeda dhimashada. Waxaa jira doodo badan oo ku saabsan isticmaalka walxaha loo adeegsado udugga jirka. Haddaba maanta waxaan heli doonaa jawaabta su'aashan iyo sida looga baaqsado in ay halis kugu keenaan waxyaabahani. Haddii aad isticmaalaysid midda la mariyo kilkisha, mari ama ku jiid 1 ilaa 3 jeer jirkaaga oo qoyan qabeyska ka dib. Haddii aad isticmaalaysid tan la isku buufiyo, waxaad buufisaa adiga oo jidhkaaga ka fogeynaya 10 ilaa 15 sentimitar si ay muddo dheer kaagasoo carafto, sida ay ku taliyeen xeel dheerayaasha agabka udugga. Hadii aad carfisada buufiso iyada oo jirka aad uga fog ama aad ugu dhow waxay khubaradu sheegeen in aanay faa’iido lahayn si fiicanna kaaga soo udgeynin. Waa in aan carfisada marna lagu buufin dharka. Sidoo kale, sax ma aha in uu qofku sariirta aado iska marka uu cafrisada marsado. Marar kala fog dhib kama imaan karo, balse haddii aad joogteyso in aad seexato adigoo is carfiyay waxaa kaaga íman karta khatar caafimaad. Khubaradu waxay ku taliyeen in carfisada la mariyo shirka ee qoyan loo isticmaalo si taxaddar leh, waana in aan la isku badin. Carfisooyinkaaga ka ilaali meelaha ay gaari karaan carruurta. Gabadha 14 jirka ah ee dhimatay ka dib istcmaalka carfisada waxaa istaagay wadnaha, taasoo muujineysa in ay khatar weyn ku gedaaman tahay qalabkan aan sida joogtada ah u adeegsanno. Dalka UK oo keliya, waqtigii u dhaxeeyay 2001 ilaa 2020 waxaa carfisada jirka ugu dhintay ilaa 11 qof, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray xafiiska Tirakoobka Qaran. Intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2008, tirada dadka ee u dhintay sababo la xiriira carfisada waxay ka badneyd dadka u dhintay isticmaalka daroogada, sida laga soo xigtay hay’adda xakameynta daroogada ee UK. Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen carruur ay da’dooda u dhaxeysay 10 ilaa 15 sano. Sida ay shegetay hay’adda Mayo Clinic, 100 ilaa 200 oo carruur ah ayaa sanad kasta Mareykanka ugu dhinta dawooyin ay u qaateen qaab neefsasho ah. https://www.bbc.com/somali/articles/c3gz1zly5v8o +politics George Floyd: 11-ka dil ee sababay mudaharaadyo waa weyn oo ka dhacay Mareykanka "Dilka loo geystay nin madow ahaa ee aan hubeysneyn ee booliska xireen kaddibna mid ka mid askarti booliska uu jilibka qoorta ka saaray sidaana ku dhintay, ayaa cusbooneysiiyey carada ka dhalatay dhibaatada ay ay booliska Mareykanka kula dhaqmaan dadka laga tirada badan yahay ee dalkaas ku nool. George Floyd, oo ay da'diisu ahayd 46 sano ayaa waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis. Wuxuu la kulmay boolis fiidnimadi 25-kii bishan Mayka dib markii askarta la wacay oo loo sheegay nin looga shakisan yahay inuu foorjari ama been abuur sameynayo. Muuqaal 10 daqiiqo soconayay ayuu ka duubay qof dhacdadaasi goob joog u ahaa kaas oo uu ka dhex muuqdo Floyd oo ay nafta hayso oo booliska caddaanka ah ku leh ""waan neefsan la'ahay"". Dhacdada ayaa ku soo beegmeysa isla-maalinti ay haweeney caddaan ah oo ku nool New York ay booliska wacday una sheegtay nin madow ah inuu u hanjabay kaddib marki uu ku yiri eeygaaga naga xiro. Dilka Floyd loo geystay waxay sii murjisay xaaladda iyadoo ay jiraan dilal kale oo ay Booliska ka geystaan dalka Mareykanka. Sida ay sheegeyso xog lagu baahiyey wargeyska Washington Post, boolisku waxay sannadki 2019-kii dileen illaa 1014 qof, iyada oo ay warbixintu sheegtay dadka ugu badan ee dilka loo geystay iney yihiin kuwa madowga ee Mareykanka ku nool. Daraasad ay Hay'ad kale sameysayna waxaa lagu sheegay dadka madowga iney seddex jibbaar ka badan yihiin dadka caddaanka ee la dilo. Dilalka naxariis darrada ah oo ay booliska u geystaan dadka aan caddaanka ahayn waxaa ka dhashay falcelinno ay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqa #BlackLivesMatter. Waxaana olole rasmi ah billaabay gabadha heesta ee caanka ah Beyonce iyo xiddiga kubadda Kolayga Lebron James. Waa kuwan qaar ka mid ah dadkii faraha badnaa ee ay booliska dileen ee sababay iney dhacaan mudaharaadyo waa wayn oo lagu diidan yahay awoodda xad-dhaafka ah ee askarta u adeegsadaan dadka madow. Trayvon Martin, wuxuu ahaa arday madow ah oo ay da'diisu ahayd 17 sano jir, waxaana Sanford ee gobolka Florida ku toogtay George Zimmerman. Martin xilliga uu askariga dilka u geystay wuxuu u socday qaraabadiisa inuu booqdo, waxaa dilka arkayey qof ku dhawaa meel aan ka fogeyn halka uu ku dhintay. 2013-kii, garsooraha dacwadda gacanta ku hayey ayaa Zimmerman ku xukumay inuusan dambi lahayn, sharciga Mareykanka ayaana u oggolaaday inuu yirahdo Trayvon wuxuu u toogtay si uu naftiisa u difaaco, balse saaxibbadii iyo qoyskiisa waxay rumeysan yihiin in dil bareer ah loo geystay. Dilka noocaasi waxaa ka abuurmay dhaqdhaqaaqa aadka u weyn ee #BlackLivesMatter, iyo dibadbaxyo. Garner ayaa lagu dilay New York kaddib markii looga shakiyey inuu si sharci darro uu u iibiyo sigaar furfur ah oo baakad aan ku xirneen. Muuqaaal laga duubay dilkaas ayaa muujinaya Garner oo marar badan ooynaya oo leh ""waa neefsan la'ahay"", askari caddaan ahna uu qoorta Garner ceeji ama daro ku hayo. Garsooraha sare ee gobolka oo diiday inuu dacwad ku soo oogo askariga dilka geystay ee Pentaleo, waxaa ka dhashay mudaharaadyo ballaadhan oo looga soo horjeeday dhacdadaas. Pentaleo waaxda booliska New York ayaa laga eryey shan sana kaddib marki uu dilka geystay. Dhaqdhaqaaqa #BlackLivesMatter wuxuu caalamka soo jiitay marki Michael Brown oo 18 sano jir madow ahaa kaas oo uu dilay askari boolis caddaan ah oo lagu magacaabay Darren Wilson. Dilkaas ka dhacay Fergusen, ee gobolka Missouri, waxaa ka dhashay mudaharaadyo ballaadhan oo sababay inuu hal qof dhinto qaar kalana ay dhaawacmaan, boqollaal kalena xabsiga ayaa loo taxaabay. Mudaharaadyo hor leh ayaa bisha November dib u billowday kaddib marki uu garsooraha ku dhawaaqay in Wilson oo ka rusqeystay booliska inuusan dambiila ahayn. Walter Scott oo ahaa nin madow oo 50 sano jir ahaa, waxaa seddex xabbadood dhabarka kaga dhuftay nin caddaan ah oo lagu magacaabo Michael Slagger. Arrintaas waxay ka dhacday North Chaleston,ee gobolka South Carilina. Sarkaalkaas wuxuu joojiyey gaadhigiisa Scott isaga oo arkay nal jaban. Scott-na wuxuu xilligaasi ku socday inuu soo bixiyo lacago uu carruurta ku caawinayey oo uu la dib dhacay. Slagger waxaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah sannadka marka uu ahaa 2017-ka, halka ay qoyska Scott maamulka North Charleston ay ka heleen magdhaw lacageed oo dhan $6.5 malyan oo doolar. Hal Toddobaad markii ay ka soo wareegtay dilkii loo geystay Walter Scott, arrin kale oo lala yaabay ayaa ka dhacday Baltimore, Maryland. Fred Gray oo ay da'diisu 25 sano jir ahayd waxaa loo xiray inuu hub sharci darro ah sitay kaddibna uu booliska jeebkiisa ka helay middi. Muuqaal qof dhacdadaasi goob joog u ahaa uu duubay ayaa muujinaya Gray oo saaran gaari ay boolisku leeyihiin. Saacad yar kaddibna waxaa la geeyey Isbitaalka si looga daweeyo dhaawac culus oo dhabarka ka soo gaaray. Wuxuuna Gray geeriyooday toddobaad kaddib, waxaana geeridiisa ka dhalatay mudaharaadyo ballaadhan oo sababay iney 20 askari dhaawacmaan. Seddex ka mid ah lixdi askari ee dilkiisa loo haystay ayey maxkamadda dambi ku weysay waana la sii daayey, halka seddexda kalana aan weligood maxkamad la geynin. Bland oo 28 sanjir ahayd waxaa joojiyey booliska waddooyinka gaaf wareega ee Texas waxaana loo haystay xoogaha khalad dhinac waddada oo ay sameysay. Xilliga Bland lala hadlayey sigaar ayaa u shidnaa, waxayna booliska weydiiyeen iney bakhtiiso sigaarka balse wey ka diidday. Bland booliska xabsiga ayey u taxaabeen waxaana lagu soo oogay dacwad ah iney booliska cayday iyada oo diidday iney fuliso amarka ayna sameyso wixi la weydiiyey. Seddex maalmood kaddib Bland xabsiga ayey isku dishay. Balse Bland gacanta booliska kuma dhiman, hase yeeshee geerideeda cara hor leh ayey Mareykanka oo dhan ka abuurtay. Kiiskeeda waxaa ka dhashay dhaqdhaqaaq looga magac daray #SayHerName, oo bulshada looga wacyigelinayo xadgudubyada ay booliska caddaanka ah u geystaan dadka madowga ah. Bland waxaa sida oo kale looga magac daray filim dokumantari ah oo 2018-kii lagu baahiyey warbaahinta American cable network. Castile waxaa Minnesota ku toogtay askari kuwa waddooyinka ilaaliya ah oo lagu magacaabo Jeronimo Yanez. Dhacdadanna waxaa si toos ah baraha bulshada uga tabisay saaxibaddii. Yanez waxaa lagu soo oogay dacwad ah fal dil ee heerkiisa labaad iyo hubka oo uu sharciga siiyey si khatar ah u adeegsaday, hase yeeshee wax ka yar sannad waxaa Yanex bari yeelay garsoore maxkamaddeed. Jean oo 26 sano jir ahaa, waxaa lagu dilay hoygiisa iyada oo ay dilka u geysatay haweeney askariyad ahayd oo aan shaqa ku jirin maalintaa oo lagu magacaabo Amber Guyger. Haweeneydaas Askariga ahayd waxay sheegtay iney si khalad ah ku gashay guriga ninka ay disahay oo ay moodeysay in uu gurigeeda yahay, kaddibna ay Jean oo aan hubeysneyn oo gurigiisa iska fadhiya toogatay iyada oo u haysatay inuu yahay tuug gurigeeda u soo dhacay. Sannad kaddib Guyger waxaa lagu xukumay 10 san oo xabsi ah. Jefferson oo ay da'deedu 25 sano jir ahayd waxay baraneysay dhakhtarnimo waxaana lagu dilay qolkeeda hurdada, waxaa dilay askari lagu magacaabo Aaron Dean. Qof deris la ah ayaa booliska ku wargeliyey in albaabka guriga Jefferson uu furan yahay, kaddibna askariga ayaa Jefferson oo sariirteed kua jiifta ka toogtay daaqadda qolkeeda. Askarigaasi waxaa lagu soo oogay dacwad balse weli maxkamaddu xukun kuma aysan ridin. Breonna Taylor oo 26 sano jir ah ahayd kana mid ahayd xirfadlayaasha caafimaadka ee xaladaha degdegga ah, ayuu askari boolis ah gurigeeda ugu galay kaddibna 8 xabbadood ku dhuftay, arrintaas waxay ka dhacday Louisiville, ee gobolka Kantuccky. Wuxuu askerigaas sheegay inuu gabadhan u dilay warqad maxkamadeed oo uu haystay inuu ka baaro maandooriyaha oo looga shakiyey in ay haysatay, balse markii gabadha gurigeeda la baaray waxaa la sheegayey in laga waayey daroogo. Qoyska Taylor waxay sheegeen iney aaminsan yihiin inuu askariga uusan u soconin iyada ama seygeeda balse uu raadinayay qof falkaasi looga shakisan yahay oo dhismahaas aan ku nooleeyn. Booliska Louisville waxay sheegeen iney rasaas ku fureen kaddib markii uu hal askari howl galkaasi kaga dhaawacmay." https://www.bbc.com/somali/war-52831850 +politics Maxaa dhici kara wareegga labaad ee doorashada u dhaxeysa Kenya iyo Jabuuti? "Kenya ayaa ku guuldaraysatay inay hanato kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka kaasoo ay kula tartamaysay dalka Jabuuti, kadib markii ay heli weyday codadkii ay u baahneyd. Kenya ayaa waxa ay heshay 113 cod, halka Jabuutina ay heshay 78 cod, sidaas daraadeedna Kenya 15 cod ayey ku weyday kursiga, waxaana taasi ay ka dhigan tahay in markale lagu celin doono doorashadaasi. Taasi oo ah in cidana aanay helin 128 cod oo ah aqlabiyad saddex meelood ah oo laba meel oo ah. Natiijadaasi waxa ay ka dhigan in Khamiista maanta ah markale ay labada dal tartami doonaan, waxaana hawl adag ay u taallaa diblomaasiyiinta labada dal sidii ay uga dhex ololeyn lahaayeen dalalka caalamka. Haddii Jabuuti iyo Kenya uu midkoodna heli waayo tirada aqlabiyadda ah ee ay u baahan yihiin, waxaa ay aadayaan wareeg saddexaad. Haddii ay isku mari waayaanna, waxaa dhici karta in tartanka loo furi dalal kale oo Afrikaan ah. Qaabka kale ee xalka loogu heli karo arinkan ayaa ah in labada dal ay ku heshiiyaan qeybsiga muddo xileedka kursiga oo dalkiiba uu sanad ku fadhiyo. Labada dalba, kii guulaysata ayaa kamid noqonaya 10-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee aan joogtada ahayn ee la shaqeeya shanta dal ee haysta awoodda qayaxan ama veto-da loo yaqaan, si go'aan ay uga gaaraan arimaha ku aaddan ammaanka caalamka. Codadka ay heshay Kenya ayaa qalbi-qaboojin u ah diblomaasiyiinta dalkaasi ee loo xilsaaray hawsha xasilinta kursigaasi. Jabuuti ayaa diidday go'aankii Midowga Afrika uu Kenya ugu xushay inay si tartan la'aan ah ku qaadato kursigaasi loo asteeyay qaaradda. Waxa ay sheegtay in Kenya aan lagu aamini karin kursigaasi muhiimka ah, maadaama uu khilaaf kala dhexeeyo Soomaaliya. Kenya ayaa dhankeeda ku doodeysa inay mudan tahay xubinnimada Golaha Ammaanka, ayna waxbadan ka tartay xasilloonida caalamka, gaar ahaan Bariga Afrika. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu sheegay in dadaalka uu ugu jiro dalkiisa kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu yahay mid ay usoo galeen olole adag. ""Tani waxay aheyd olole aad u adag, waxaan soo dhageysanay oo aan diyaarsanay waxyaabaha aad mudnaanta siineysaan ee danaha idiin ah ee aad ka walaacsan tihiin ee aragtiyaha aad ka qabtaan dunida dhibka badan , 27-ka bishan Juun waxaan u dabaal degi doonaa 43 sanno oo xornimo ah, waa 43 sanno oo ay Jabuuti ku caanbaxday nabad iyo dulqaad"" Waxaa uu dhanka kale sheegay in Jabuuti ay kaalin weyn ka qaadatay dadaallada nabadda ee gobolka, wuxuu tusaale usoo qaatay shirka wadahadallada ee madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay isugu tageen Jabuuti kaas oo dhawaan ka dhacay Jabuuti. ""Waxay si guul ah u dhexdhexaadisay dadaallo badan oo nabdeed oo ka jiray gobolka waxaana kamid ahaa dadaalkii nabadeed ee Soomaaliya horraantii 2000 oo aanu qabanay shirkii Carta kaas oo horseeday in Soomaaliya ay dib ugu soo laabato kursigeeda Qaramada Midoobay iyo saaxadda gobolka labo maalmood kaddib oo ay tahay 20 sanno kaddib shirkaas waxaan ku marti qaaday Jabuuti wadahadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland kaas oo aan rajeynayo in uu sahli karo horumar macno leh iyo faa'idooyin la taaban karo"" Dhanka kale, Madaxweyanaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay tartanka dalkiisa uu ugu jiro kursigan isla markaana waxaa uu farriin u diray xubnaha ka qeyb galaya shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. Waxaa uu sheegay in ""In Kenya oo loo codeeyo ay ka dhigan tahay in nabadda iyo midnimada adduunka loo codeeya"" ""waxaan idin sheegaya in Kenya oo loo codeeyo ay tahay mid xitaa horseedi doonto in la tixgeliyo dalalka yar"" ""Waxaan doonayaa in aan idiin la wadaago sheeko ku saabsan Kenya, waana sheekada ay Kenya aaminsan tahay iyo aaminaadda ina xoojineyso, waa midda rumeysan dimuqraadiyadda iyadoo la qaddarinayo nolosha aadanaha iyada oo loo sii marayo midnimada waa tan arrinta aan wax ku wada qabsaneyno"" ayuu yiri Kenyatta. Kursigan ayaa markii hore waxaa loo qoondeeyay ilaa lix dal balse sannadkii 1965-tii ayaa laga dhigay ilaa 10-ka kursi ee aan joogtada aheyn ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobey. Kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey ayaa ah mid saameyn weyn leh maadama dalka ku guulesyta kursigan uu ka qeyb geli doono doodaha ku saabsan amniga. Dalka ku guuleysta kursigan wuxuu muddo labo sanno ah kamid ahaan doonaa 10-ka dal ee ka tirsan kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. Jabuuti iyo Kenya waxay sannadihii lasoo dhaafay dadaal ugu dadaal ugu jireen sidii ay u hanan lahaayeen kursigan, waxay taageero ka kala raadsanayeen dalalka ay isku luqadda yihiin ee qaaradda, Kenya waxay taageero u raadsatay dalalka ku hadla luqadda afka Ingiriiska halka Jabuuti ay u habar wacatay dalalka Afrika ee ku hadla luqadaha afka faransiiska iyo Carabiga. Dalka ku guuleysta kursigan waa in uu helaa saddex ka meelood labo meel codadka ay dhiibteen dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey." https://www.bbc.com/somali/war-53060062 +business "Cadho ka dhalatay wasiir hablo ciyaala iskuula ku tidhi ""wax dhigta oo dhidhiibsada""" "Wasiir caafimaad oo heer gobol ka ah Koonfur Afrika ayaa aad loogu dhaliilay in ay hablo ciyaala iskuul ah ku tidhi ""buugaagtiina fura laakiin lugihiina xidha"". Phophi Ramathuba ayaa hadalkaa tidhi mar ay booqatay dugsi sare si ay ugu dhiirigeliso [hablaha ardayda ah] inay iska ilaaliyaan galmada si looga hortago xaddiga uurka ee da'yarta. Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dhaleeceeyay hadalkaas, waxaanay is weydiiyeen sababta hadalkaa gabdhaha oo kaliya loogu koobay. Ramathuba ayaa difaacday fariintaasi oo ay sheegtay in ay sidoo kalena ku socotay wiilasha. Waa kee madaxweynaha Afrikaanka ah ee beerta xafiiskiisa xashiishaddu ka baxdaa? Talaalka HIV oo laga billaabay Koonfur Afrika Wasiirka caafimaadka ee gobolka Limpopo ayaa Arbacadii booqatay dugsiga sare ee Gwenane si ay u soo kormeerto bilowga sannad dugsiyeedka cusub. ""Gabdhahoow waxaan idin leeyahay: buugaatiina uun fura oo lugihiina xidha. Lugihiina ha kala qaadina ee buugaagtiina kala fura. Waad mahadsantihiin"" ayay ku tidhi ardayda. Waxa ay intaa ku dartay in hablaha ay ragga waaweyni ku hodaan alaabaha qaaliga ah sida burkooyinka iyo teleefannada gacanta oo ay u iibiyaan. Faallooyinkaa dhaleecaynta ahi waxay bilaabmeen markii muuqaal laga duubay khudbadaa lagu faafiyey baraha bulshada. ""Sidani maaha qaab ku habboon in carruurta loogala hadlo faroxumaynta, galmada iyo in aqbalkeeda ama diidmadaba""ayaa ka mid ahaa hadalladii dadka qaar qoreen. Siyaasiga mucaaradka ah ee Siviwe Gwarube ayaa ku tilmaantay hadalkaas ""mid dhibaato badan keenaya"". "" Waxay ahayd fursad aad si fiican ugu la sheekaysato ardayda oo aad ku waaniso…. Laakiin waxaad eedaynaysaa dhibaneyaashii. Canaan aanay qaadi karin oon loo baahanayn baad gabdhaha saartay,"" ayay ku tidhi farriin ay ku soo qortay Twitter. Boqol sano guuradii dhalashada Mandela oo laga xusayo Koonfur Afrika Ramathuba ayaa u sheegtay bogga wararka Koonfur Afrika TimesLIVE in hadalkeeda sidii ay u tidhi si aan ahayn loo qaatay oo fariinteedu sidoo kale ku socotay wiilshana. ""Inamadaba waxaan u sheegay in ay waxbarashadooda ku dadaalaan oo aanay hablaha daba ordin"" ayay tidhi. Waxay intaa ku dartay in dadka deegaankeeda Limpopo ""ay fariinteeda la dhaceen"". ""Xitaa waxay sheegeen in ay ka baqayeen inay ku dhiiradaan arinta oo sidaa cad ay u yidhaahdaan,"" ayay tidhi. Tirakoobka dowladda ayaa muujinaya in ku dhawaad 33,400 oo gabdhood oo da'doodu ka yar tahay 17 jir ay ubad ku dhaleen Koonfur Afrika sannadkii 2020-ka. Save the Children ayaa sheegtay in la'aanta waxbarashada iyo waanada galmada oo aan ku fillayn iyo sida oo kale adeega caafimaad oo la awoodi karin yihiin arimah kor u qaaday tirada gabdhaha iyaga oo dhawr iyo toban jirrada ah uurka qaadaya dalka Koonfur Afrika." https://www.bbc.com/somali/59990590 +entertainment Sushant Singh Rajput: Jilayaasha ugu waaweyn Bollywood-ka oo dacwad gudbiyay "Qaar ka mid ah filim soo saareyaasha ugu waaweyn shirkadda Bollywoodka ee dalka Hindiya ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah wax ay ugu yeedheen ""Warbaahinta qeyru-mas'uulka ah"" ee dalka Hindiya. Tallaabadan ayaa daba socota arrimaha la xidhiidha geeridii jilaagii caanka ahaa ee lagu magacaabo jiray Sushant Singh Rajput, oo dhintay bishii June. Waxaa la aaminsan yahay in atoorahaas oo ka tirsanaa Bollywood-ka uu isagu isdilay, laakiin kiiskaas waxaa dhowr bilood hurinayay warar la isla dhexmarayay oo ay faafiyeen telefishinnada. Tobannaan shirkadood, oo ay ka mid yihiin kuwa ay leeyihiin xiddigaha kala ah Shah Rukh Khan, Aamir Khan iyo Salman Khan ayaa qaaday tallaabo. ""Nolosha dadka ka tirsan Bollywood-ka waxaa saameyn weyn ku yeeshay sida khaldan ee ay ololaha u wadaan dadka dacwada laga yahay,"" ayaa lagu yidhi kiiska la gudbiyay. Geerida jilaagaas ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u heysatay hadal-heynta guud ahaan warbaahinta dalka Hindiya. Isku darka 34 filim soo saare iyo shan shirkadood ayaa ku biiray kiis ka dhan ah labo telefishin oo laga leeyahay Hindiya iyo afar warite, kuwaasoo aan wali ka jawaabin eedeymaha loo heysto. ""Waxaa faragalin lagu sameeyay xuquuqaha gaarka ah ee xubno ka tirsan Bollywood-ka, sharaftoodana waxaana sharaftooda la gaadhsiiyay dhaawacyo aan kasoo kabasho lahayn, iyadoo guud ahaan Bollywood-ka laga dhigay shirkad dambiile ah, oo daroogada ka ganacsata, shacabkana waxaa laga dhaadhiciyay in Bollywood ay tahay meel lagula dhuunto dambiyada iyo maandooriyeyaasha,"" ayaa lagu yidhi dacwadda ka dhanka ah telefishinnada iyo suxufiyiinta. Rajput, oo 34 jir ahaa, ayaa meydkiisa laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Mumbai, 14-kii bishii June. Booliska ayaa markaas sheegay inuu isdilay. Laakiin qoyskiisa ayaa markii dambe laamaha amniga u gudbiyay cabasho ka dhan ah gabadhii ay saaxiibka ahaayeen, oo ah atariishada lagu magacaabo Rhea Chakraborty, iyagoo ku eedeeyay inay sabab u ahayd dilkii wiilkooda iyo dambiyo kaleba. Hase yeeshee iyadu dhammaan way beenisay eedeymahaas. Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay, tiro ka mid ah xiddigaha Bollywood-ka, oo ay ka mid tahay atariishada caanka ah ee Deepika Padukone, ayaa wajahayay su'aalo qeyb ka ah baadhitaanka dhimashadii Rajput - inkastoo cidna aan toos loogu eedeynin waxyaabo khaldan. Kiiskaas waxaa hadda baadhitaan ku wada saddex hay'adood oo ka tirsan dowladda. Bilihii lasoo dhaafay waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada lagu hadal hayay warar aan rasmi ahayn oo lagu xamanayay dad la sheegay inay atoorahaas ku kallifeen inuu isdilo." https://www.bbc.com/somali/war-54506917 +health Saameynta bulshada uu ku leeyahay HIV HIV Aids waa mid ka mid ah cudurada dilaaga ah uguna halista badan ee galmada laga kala qaado wuxuuna halis badan maanta ku hayaa sii jiritaanka Aadanaha. Dhamaadkii 2009 waxaa la sheegay in xanuunkan la nool yihiin 34-milyan oo qof halka ay qiyaas ahaan u dhinteen 1.8-milyan oo qof waana cudurka dhimashada ugu badan laga dhaxlo tan iyo markii la ogaaday halistiisa. Si gaar ah waxaa la sheegay sanadii 2005 in 25-milyan oo qof oo ku noolool dalalka Saxaraha hoostiisa ku yaalo qabaan HIV Aids. Sidaa darteed saameynta HIV waa mid ballaaran oo Dunida oo idil halis ku ah. Waa cudur qatartiisa wato oo siyaabo kala duwan loo kala qaado Galmada, dhiiga la isku shubo, naas nuujinta, qalab lagu qalay qof xanuunka qabo oo qof kale loo adeegsado iyo siyaabo kale ayaa lagu kala qaadaa. Marka hore qofka xanuunka ku dhaco wuxuu joogaa marxalada HIV kadibna wuxuu usii gudbaa Aids waa marka jirkiisa unugyada uu dilo qofkana tababarta ama difaaca ka dhamaado. Wax daawo ah malahan HIV laakiin wuxuu leeyahay daawooyin qofka la siin karo marka uu marxaladda HIV joogo si difaaca jirkiisa uusan isku dhimin. Qofka xanuunka HIV asiibo dhibaatooyin badan ayaa lasoo darsayaan, marka kowaad ehelkiisa inta badan wuu weynayaa sida dadka aadka ugu dhowaa, saaxiibadiisa iyo bulshada maqaamka uu ku lahaa madaama dadka ka fogaanayaan. Sidoo kale maskaxiyan qofka xanuunka qabo wuxuu u baahan yahay tiiraanyo bixin madaama dhibaatooyin badan oo muuqdaan iyo kuwo aan muuqanin soo gaarayaan xiliyo kala duwan marka uu xanuunka ku cusub yahay iyo marka uu la nool yahay. Waxaa ugu daran bulshada inay qofka xanuunka qabo aqbali waayaan asigoo u baahan daryeel iyo ogaansho gaar ah wuxuuna luminaa maqaamkii uu bulshada ku dhex lahaa taasi oo sababi karto si deg deg ah xanuunkii haayay HIV inuu isugu badalo AIDS kadibna aan lala tacaali karin waana marka ay bulshada ku sameeyaan faquuq xanuunkiisa ku lug leh. Dalal badan dhaqaalahooda dhulka ayuu galay ama siweyn ayuu hoos ugu dhacay tan iyo markii ay ku bateen dadka xanuunkan hayo wuxuuna sababaa faqri qoto dheer kaasi oo bur buriyo shaqsiyadka, qoysaska iyo qaranka guud madaama dadkii wax soo saarka ka qayb qaadan lahaa dhalinyaro u badan uu xanuunka HIV cirib tiraayo. Sidaa darteed dalalka iyo gobolada HIV uu ku badan yahay waa kuwa dhaqaalo ahaan dunida ugu liitaan madaama geerida ku badan tahay, wax soo saarka ku yar yahay waa xaalad aan laga baxsan karin marka uu gobol gaar ah HIV ku bato. Waa dhibaato guud oo liddi ku ah tartanka bini,aadanka madaama xanuunka HIV uu tiro badan nafsadooda gaalafanayo waa halista ugu weyn marka waalidiinta xanuunkan asiibo ayagoo ubadka ay dhalaan usii gudbinayaan sidoo kalena ubadkaas bulshada inteeda kale xanuunka kusii faafin karaan ayagoo is og ama aan iska war heynin. Waxaa intaas u dheer waalidiin hooyooyinka xanuunka HIV ku dhaco inay faquuq weyn la kulmaan ayadoo laga yaabo galmo inaysan ka qaadin xanuunkan balse qalab lagu dhaliyay ama adeeg caafimaad loogu qabtay ay ka qaadeen. Sida guud saameyn aan caadi ahayn ayuu HIV ku leeyahay hab dhismeedka qoysaska waalid iyo caruur ka kooban. Dadka ugu nugul xanuunka HIV inuu asiibo waa kuwa daryeelka iyo adeega caafimaad bixiyaan ayagoo is dhahayaan la tacaala qof xanuunka qabo ayaa xanuunka ugu gudbaa ogaal la'aan waana qatar kale oo aan laga warqabin iyagana bulshada ayay usii gudbin karaan madaama ay isku maleeyaan inay caafimaad qabaan sidaa darteed iyaga ayaa u baahan baaris joogto ah in lagu sameeyo. Sidoo kale dadka adeega caafimaadka bixiyaan waa in tababar la siiyaa si halista xanuunkan usii faafin sidoo kalena ay baaris joogto ah ku sameeyaan bukaanka ay u adeegayaan waxaa macquul ah bukaan HIV qabo inay adeeg caafimaad u fidiyaan baaris la'aan kadibna qofkaas bukaanada kale xanuunka usii gudbiyo. Sida guud halis aad u weyn ayay ku shaqeeyaan dadka daryeelka iyo adeega caafimaad bixiyaan. Sanad walbo waxaa la baahiyaa in kumanaan qof oo xanuunka HIV qabto inay u geeriyoodaan sidoo kalena tiro intaas ka badana uu ku dhaco waana Virus halis ku ah koriimada iyo kobaca bini aadanka halistiisana in meesha laga saaro xal loo weysan yahay balse lagu guuleestay in qatartiisa la yareeyo ayadoo wacyi galin kala duwan iyo tababaro caafimaad laga bixiyo dalalka ama gobolada uu xanuunkan ku badan yahay. HIV waa cudur qatar ku ah jiritaanka guud ee shaqsiga, qoysaska, bulshada, dalalka, dhaqaalaha, hormarka iyo nabadda sidaa darteed waa in si guud xal loogu raadiyaa oo ay hay'adaha caalamiga ah iska kaashadaan si joogto ah sidii looga hortagi lahaa faafistiisa loona yareen lahaa tirada sanad walbo xanuunkan u geeriyooto ama uu ku dhaco. Bukaankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa joojiyay qaadashada dawooyinkii kaalmaatiga ahaa ee HIV-ga. 10 sanno ka hor, Timothy Brown ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee gabi ahaanba laga daweeyay cudurka HIV-AIDS kadib markii lagu shubay dhuuxa lafaha oo uu leeyahay qof dhintay oo adkaysi u lahaa cudurada jirka soo weerara. Dhaqaatiirta ayaa waxa ay hadda sheegayaan in ay caddeyn u heleen in bukaankii hore uusan ahayn arrin qariib ah, maadaamaa isla qaabkii la marayna ay xaqiiqadu tahay in habkan uu yahay mid shaqayn kara sida uu qabo Prof Ravindra Gupta. Waxaa jira dadka qaar oo leh unugyo ka samaysan hiddo sidde adkaysi u leh in ay xanuunada soo weeraraan, waxaana loo yaqaanaa CCR5, kuwaas oo haddii unugyadooda lagu talaalo qof kale oo qaba xanuunkan ay ka fayoobaanayaan. Hase yeeshee waxaa sii jiraya waxyaabo cudurka ka mid ah oo jirka kusii haraya, kuwaas oo siyaabo kale xal loogu heli karo. Dhaqaatiirta waxa ay sheegeen in natiijada ay tahay mid dhiirogalin leh. https://www.bbc.com/somali/war-55701186 +sports "Itoobiya: ""Xasillooni darrada waxaa abuuray kooxo horay iisu abaabulay""" "Xeer Ilaaliyaha guud ee Federaalka dalka Itoobiya Adaanech Abebe ayaa BBC u sheegtay dad masaakiin ah oo aan wax xiriir ah la lahayn dilka loo geystay Hachaaluu Hundeesaa in lagu laayey deegaanka Oromada. Adaanech waxay sheegtay rabshadihi ka dhashay dilka fannaanka loo geystay dadka ku dhintay intooda badan iney ahaayeen kuwa horay iisu abaabulay si ay dalka qalalaaso uga abuuraan. Waxayna xeer ilaaliyuhu intaasi ku dartay rabshadihi toddobaadki hore dalka Itoobiya ka dhacay dadka loo xirxiray iney gaareen 2,700 oo qof. ""Xogta ilaa iyo hadda aan hayno dadka ugu badan ee rabshadaha ku dhintay iyo dadka masaakiinta dilka u gestayba iney ahaayeen dad horay iisu abaabulay oo heegan ku jiray, balse ay ahayn dhacdo si kadis ah ku dhcday"" ayey tiri. Xeer ilaaliyaha oo sii xoojineyso iney jireen dad rabshadaha ka horba isabaabulay oo heegan ku jiray waxay sheegtay marki la maqlay in fannaanka la dilayba iney soo baxeen kooxa hubeysan oo hub, fooneeyaha lagu wada xiriiro isla-markaana adeegsanayo idaacado maxalli ah. ""Dowladda si ay rabshadaha u soo afjarto shaqsiyaadkii looga shakiyey iney ku lug lahaayeen oo ay ka mid yihiin Jawar Maxamed iyo Baqale Garbaa waxay hub iyo qalab isgaarsiin oo ay sharci u haysan ay kala wareegtay xubnahaasi, iyaga oo warbaahintoodaa farriimo ficilladooda garab siinayo oo dalka ammaankiisa khatar gelinaya ka baahinayey"" ayey tiri. Kooxda mucaaradka ee Baalderaas uu hoggaamiyo Iskindir Naggaa ""waxay iyaguna howlgeliyeen dhalinyaro Qeero caysa, kuna dhawaaqa hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen Oromo nama maamuleyso oo caasimaddana rabshado ka sameeyo"". ""Kooxahan haddii ay ahayn kuwa horay iisu abaabulay oo heegan ku jiray oo sugayey fursad ay danahooda ku fushadaan, ma dhacdeen in saacada iyo daqiiqada gudahood ay ficilladaasi ku dhaqaaqaan."" Xeer ilaaliyaha Federaalka Itoobiya Adaanech Abebe waxay sheegtay ""Deegaanka Oromada dad masaakiin ah oo aan wax xiriir ah la lahayn dilka Hachaaluu Hundeesaa oo aan siyaasadna lug ku lahayn in iyaga oo guriyahooda ku sugan dilal looga geystay"". ""Haddii ay ciidamada ammaanka naftooda u huri lahayn si ay rabshadahan u joojiyaan, rabshadihi dhacay waxaa ka dhalan lahaa waxyeello laga argagaxo dalka oo dhanna saameeya, qasaaraha ka dhashayna intaan wuu ka badan lahaa"" ayey tiri. Rabshadaha toddobaadkii hore ka dhacay dalka Itoobiya oo loo xirirxiray dad gaaraya 2,700 qof 1,714 ka mid ah waxaa lagu xiray deegaanka Oromada halka magaalada Addis Ababana ay boolisku ku xireen dad gaaraya 1,000. ""Dowladda tallaabbooyinka ay qaadday oo dhan waxay ahayeen kuwo ay dalka ku xasilineyso si ay shacabka isaga horiman qaab diimeed ama qowmiyadeed maadaamaa ay khatar aad u weyn ay ka iman karto, iskuday kasta oo lagu doonayo in rabshado lagu abuuro ama lagu hiriyana waxay dowladda qaadeysaa tallaabbooyin sharci ah oo ay ficilladaasi kaga hortageyso"" ayey tiri. ""Dilka fannaaka Hachaaluu Hundeesaa dadka looga shakiyey oo loo qabqabtayna waxay gaareen 10 qof"" ayey tiri xeer ilaliyuhu. Dadka ay dowladdu u qabatay ama ay la xiriirisay rabshadihi dalka Itoobiya ka dhacay iyo dilki fannaanka loo geystayba xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee federaalka wuxuu ku dadaalayaa sidi degdeg tallaabba sharci ah looga qaadi lahaa"" ayey tiri Xeer Ilaaliyaha guud ee Federaalka dalka Itoobiya Adaanech Abebe oo BBC u warrantay. Haddaba waa kuma Jawaar Maxamed? Jawaar Siraaj Maxamed waxaa uu sanadkii 1986 ku dhashay magaalada Dhumuga ee gobolka Arsi ee dalka Itoobiya. Aabihii waxaa uu ahaa nin Oromo ah oo heysta diinta Islaamka, halka hooyadiina ay aaminsaneyd madhabta qibdiyiinta dalka Itoobiya looga yaqaano Tulama. Waxaa lagu tilmaama in uu yahay shakhsiga ugu saameynta badan Itoobiyada casriga ee haatan jirta. Jawar waxaa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose kusoo qaatay iskool ay maamulaan madhabta katoliga oo ku yaala magaalada Asella, waxaana sidoo kale waxbarashada dugsiga sare uu kusoo qaatay iskoolka Adama sanadkii 2003, xilligaas oo uu deeq waxbarasho ka helay jaamacad ku taala dalka Singapore. Waxaa uu jaamacaddaas ka qallin jabiyay sanadkii 2005. Culluunta siyaasadda ayuu markii dambe jaamacadda Stanford ka bartay, oo waxaa uu ka qaatay shahaadada koowaada, waxaana uu ka qallin jabiyay sanadkii 2009, Sidoo kale shahaadada labaad ayuu sanadkii 2013-ka ka qaatay jaamcadda Columbia ee dalka Mareykanka oo uu ka bartay ka shaqeynta iyo sare u qaadidda xuquuqda aadanaha. Jawaar Maxamed waxaa uu sanadihii dambe fadhigiisu ahaa dalka Mareykanka. Wuxuu door weyn ka qaatay kacdoonkii dalka Itoobiya ka dhacay sanadki 2016-ka. Intii uu jooga Mareykanka waxaa uu asaasay warbaahin lagu magacaabo Oromia Media neywork. Jawaar oo ay dalka Itoobiya ugu dambeysay sanadkii 2008 kahor inta uusan kusoo laabanin ayaa waxaa magaalada Minneapolis ee dalka mareykanka uu ka hirgeliyay stuudiyo, halkaaas oo warbaahinta OMN iyo baraha bulshada uga hadli jiray ""dhibaatooyin"" uu sheegay in dowladdii uu hogaaminayay Hailemariam Desalegn ay ku heyso dadka Oromada iyo guud ahaan dalka Itoobiya. Wuxuu ahaa shakhsigii asaasay OMN oo af-Oromo ku baxa marki dambana af-Amxaari lagu biiriyey. Waxaa uu baraha bulshada iyo warbaahinta uga dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqda dadka Oromoda, isagoona hadba muuqaalo ama farriimo soo dhigi jiray warbaahinta OMN iyo baraha bulshada. Jawaar akoonada uu ku leeyahay baraha bulshada waxaa ku taxan kumanaan qof oo uu saameyn ku leeyahay. Kacdoonkii isbadel doonka Jawaar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa. Jawaar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhallinyarada Oromoda ee 'Qeeroo' oo uu asaasay sanadkii 2016-ka, kuwaas oo gudaha dalka itoobiya ka sameeyay mudaharaadyada sababay inay dowladda hore meesha ka baxdo. Markii ay rabshadaha ka socdeen dalka Itoobiya, dad badan waxay aad ugu xusuustaan jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntiina sababay inuu ra'isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay. Waxaa uu Jawaar dib ugu soo laabtay dalka Itoobiya sanadkii 2018-ka, xilligaas oo uu isbadelka ka hirgalay Itoobiya. Dad badan waxay Jawaar ku eedeeyaan in uu qeyb ka yahay hurinta colaadaha qowmiyadaha dalka Itoobiya ka dhex dhaca isaga oo lagu sheego inuu farriimo isku dhacyo abuuri karo baraha bulshada ku tabiyo, haseyeeshee waa uu beeniyay eedyamhaasi." https://www.bbc.com/somali/war-53357159 +politics Weerarkii Capitol: Ma laga yaabaa in Trump xilka laga qaado kahor inta uusan Aqalka Cad ka tegin? "Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa xildhibaannada la wadaagtay qorshooyin xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump kahor inta uusan billaaban hannaanka xil ka qaadista. Ms Pelosi ayaa sheegtay in codka la qaadayo maalmaha soo socda lagu doonayo meel marinta qaraar ugu baaqaya Madaxweyne Ku Xigeenka Mike Pence inuu xilka madaxtinnimada uga qaado Mr Trump. Dimuqraaddiyiinta ayaa kaddib Mr Trump ku soo oogi doona eedeymo kicin ah iyo doorkii uu ku lahaa weerarkii dhismaha Capitol. Codka ugu horreeya ayaa maanta oo Isniin ah la qaadi doonaa. Maalintii shalay ahayd, Ms Pelosi ayaa qorshaheeda u gudbisay xildhibaannada kaas oo si arsmi ah looga codsanayo Mr Pence inuu adeegsado wax ka beddelkii 25-aad ee dastuurka dalkaas, oo u oggolaanaya inuu noqdo sii hayaha xilka madaxweynaha isla markaana uu Aqalka Cad ka saaro Mr Trump. ""Annaga oo difaaceyna dastuurkeenna iyo dimuqraaddiyaddeenna, si degdeg ah ayaan u howlgeli doonnaa, sababtoo ah madaxweynaha wuxuu khatar muuqata ku yahay labadaba,"" ayay tiri. Warqaddeeda ayaa waxaa kale oo ku xusan in tani ay noqon doonto tallaabadii ugu horreysay, isla markaana in Dimuqraaddiyiinta ""ay ka shaqeyn doonaan sharci xil ka qaadis ah"". James Clyburn, oo ah xubin sare oo Dimuqraaddiga ka tirsan, ayaa telefishinka CNN u sheegay in inkastoo cod loo qaadayo xil ka qaadista Mr Trump ay dhici doonto toddobaadkan dhexdiisa, haddana uu xisbigu Senate-ka u gudbin doonin maxkamadeyn ilaa ay ka dhamamato 100-ka maalmood ee ugu horreeya ee Joe Biden. ""Aan madaxweynaha la doortay Biden siinno 100-ka maalmood ee ugu horreeya ee uu u baahan yahay meel marinta ajandeyaashiisa,"" ayuu yiri Mr Clyburn. Taas ayaa Mr Biden u oggolaan doonta inuu ansixiyo golihiisa wasiirrada uuna hirgeliyo siyaasidihiisa oo ay ka mid tahay wax ka qabashada coronavirus -taas oo ay noqoneyso inuu Senate-ku sugo haddii uu hayo qorshaha xil ka qaadista. Mr Trump ma uusan soo hadlin tan iyo Jimcihii intii laga mamnuucay dhowr shirkadood oo baraha bulshada ah - oo uu ka mid yahay Twitter. Axaddii, si kastaba, Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha uu Talaadada u safri doono Texas si uu u booqdo ballaarinta derbiga xadka Mexico. Mr Trump ayay Dimuqraaddiyiinta iyo tiro ka tirsan Jamhuurga ku eedeeyeen inuu gacan ku lahaa weerarkii Arbacadii lagu qaaday dhismaha Kongareeska oo ay shan qof ku dhinten. Balse xildhibaannada Jamhuuriga ee Senate-ka midkoodna ma uusan sheegin inuu u codeyn doono xil ka qaadistiisa. Xildhibaan kale oo Jamhuuri ah kana tirsan Senate-ka, Pat Toomey, ayaa shalay Mr Trump ugu baaqay inuu is casilo. ""Waxaan u maleynayaa sida u wanaagsan dalkeenna.... waa inuu madaxweynuhu is casilo uuna u tago sida ugu dhaqsiyaha badan,"" Sen Toomey ayaa sidaasi u sheegay barnaamijka Meet the Press ee telefishinka NBC. ""Waxaan ogahay inay taasi u dhowdahay inaysan dhicin, balse waxaan u maleynayaa inay tahay sida ugu fiican."" Lisa Murkowski, oo ka soo jeedda Alaska, waa sanatarkii ugu horreeyay oo Jamhuuri ah oo ku baaqa inuu xilka ka dego madaxweynaha. Ben Sasse, oo isagana ah Jamhuuri ka tirsan Senate-ka kana soo jeeda Nebraska, ayaa sheegay inuu tixgelin doono mooshinka xil ka qaadista haddii uu hirgeliyo Aqalka. Dhanka kale, barasaabkii hore ee California kana tirsanaa Jamhuuriga, Arnold Schwarzenegger ayaa muuqaal uu shalay soo duubay Mr Trump ku tilmaamay ""madaxweynihii ugu xumaa abid"". Iyadoo ay baarayaashu isku dayayaan inay dacwad ku soo oogaan kuwii weerarka ku qaaday dhismaha Capitol, waaxaha booliiska ee Virginia iyo Washington ayaa sheegay in saraakiisha ay siiyeen fasax, sababo la xiriira inay u howlgaleen wax ka qabashada dhacdadaas iyaga oo shaqada fasax ka ahaa. Shan waaxaha booliska ah oo Florida iyo Magaalada New York ku kala yaalla ayaa sidoo kale sheegay in laga yaabo in xubno hore oo ka tirsanaa ay ku sugnaayeen goobta markii ay dibadbaxayaasha galeen Capitol, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Reuters. Aqalka Cad ayaa xil ka qaadista ku sheegay mid dano siyaasadeed laga leeyahay, taas oo ""keliya sii kala qeybin karta dalkeenna weyn"". Haddii uu qorshuhu meel maro, Mr Trump wuxuu noqon doonaa madaxweynaha keliya ee Mareykanka ee soo maray ee labo jeer laga keenay mooshin xil ka qaadis ah. Si ay taasi u dhacdo, eedeymaha xil ka qaadista waa la geeyaa Aqalka codna loo qaadaa. Waxaa kaddib loo gudbin doonaa Senate-ka, halkaas oo marka codadka saddex meel loo dhigo ay muhiim tahay in labo meel ay u codeeyaan xil ka qaadista madaxweynaha. Haddii laga qaado xilka, Senate-ka ayaa sidoo kale cod u qaadi doona in Mr Trump uusan mar dambe xil qaban. Si kastaba, Mr Clyburn, oo Kongareeska ka tirsan kana soo jeeda Koofura Carolina, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xil ka qaadis aysan suurto gal ahayn kahor inta uusan Mr Trump uga degin xilka muddo 10 maalmood gudahood. Taas beddelkeed, Dimuqraaddiyiinta ayaa ke fekeraya dib u dhigista inay qorshaha xil ka qaadista u gudbiyaan Senate-ka. Waxaa laga yaabaa inay si aan rasmi ahayn ugu baaqeen Mr Pence adeegsiga wax ka beddelkii 25-aad. Si kastaba, inkastoo Mr Pence uu u muuqdo inuu iska fogeynayo madaxweynaha isagoo Axaddii sheegay inuu qorsheynayo ka qeyb gelidda caleema saarka Mr Biden ee dhacaya 20-ka January, ma muuqato wax muujinaya in madaxweyne ku xigeenku uu diyaar u yahay adeegsiga wax ka beddelka dastuurka. Mr Trump ayaa sheegay inuusan ka qeyb geli doonin xafladda caleema saarka Mr Biden. Wuxuu haatan qirtay in looga adkaaday doorashadii 3-dii November uuna diyaar u yahay xil wareejin nabad ah, balse wuxuu sii watay sheegashooyinka aan salka lahayn ee ah in doorashada lagu shubtay. Mr Biden ayaa sheegay in xil ka qaadista ay u taallo Kongareeska, balse uu ku fekerayay ""muddo dheer in Madaxweyne Trump uusan u qalmin xilka""." https://www.bbc.com/somali/war-55583939 +politics Buundada London: Qofka weerrarka gaystay horaa loogu xukumay falal argagixiso "Ninka weerrarka soo qaadday oo booliisku magaciisa ku sheegay Cismaan Khan oo ah 28 jir, ayaa hore u ahaa maxbuus bannaanka ku joogay damiin waqtiga uu weerrarka dhacayay, kaas oo lagu dilay nin iyo haweeney saddex qof oo kalana waa ay dhaawacmeen. Khan ayaa waxaa toogasho ku dilay boooliska kaddib markii xubno ka tirsan dadweynaha ay ninkaasi hareereeyeen. Booliiska ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal argagixiso. Mas'uuliyiinta ayaa aqoon u lahaa Cismaan Khan, oo waxaa ninkaas falal argagixiso loo xukumay sanaddii 2012-kii, sida uu sheegay taliye ku xigeenka boooliiska London Neil Basu. Bayaan uu Basu soo saaray ayuu ku sheegay in ninkaasi damaanad xabsiga looga sii daayay bishii Diseembar 2018. Raisul wasaaraha Britain ayaa Boris Johnson ayaa shegay in muddo dheer uu ku doodi jiray inay qalad tahay in daambiilayaasha halis ah xabsiga laga siidaayo iyada oo uusan waqtiga lagu xukumay u dhammaan. Booliiska ingiriiska ayaa imika baaritaan ku haya goobtii uu ku noolaa Mr Khan. Wariye ka tirsan BBC-da oo goobtaas ku sugnaa ayaa sheegay inuu arkayay dadaal ka socday buundada dusheeda, halkaasoo dhowr qof ay isku dayayeen inay xakameeyaan hal nin. Ka dib askar ka tirsan booliska ayaa si deg deg ah ku gaaray halkaas, waxayna ninka ku rideen dhowr rasaas ah, sida uu sheegay wariyaha. Faahfaahinta ayaa wali isasoo tareysa, wuxuuna madaxa ciidanka la dagaallanka argagixisada ee UK, oo lagu magacaabo Neil Basu sheegay inay hadda si gaar ah u baarayaan ujeeddada ka dambeysay weerarkaas. Wuxuu intaas ku daray in saacaddu markii ay ahayd 14:00 - xilliga London - booliska loogu yeeray toorriyeyn ka socotay meel u dhow buundada. Muuqaal laga duubay dhacdadan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana laga arkayay nin ay dad shacab ah dhulka ku muquuninayeen. Nin kale oo dhar suud ah xirnaa ayaa la arkayay isagoo kasii cararaya ninka kale, waxaana sida muuqatay uu heystay toorri weyn. Mr Basu ayaa shir jaraa'id oo uu warfidiyeenka u qabtay ku yiri: ""Nin la tuhunsanaa ayey toogasho ku dileen ciidamo si gaar ah u hubeysan oo ka socday booliska magaalada London, waxaana idiin xaqiijin karaa in ninkaas uu ku dhintay isla goobta"". Wuxuu dadka reer London ugu baaqay inay ka feejignaadaan dhacdooyinka noocaas ah, ayna booliska si dhakhso ah ugu wargaliyaan wax kasta oo ay ka shakiyaan. Xarunta tareennada ee ku taalla agagaarka buundada London ayaa la xiray mana jiro dhaqdhaqaaq tareen oo halkaas ka socoda wakhtixaadirkan. Dad goob joogeyaal ahaa ayaa BBC-da uga warramay waxa ay arkeen. Amanda Hunter, oo saarneyd bas halkaas marayay ayaa tiri: ""Si lama filaan ah, gaarigii wuu istaagay dadkuna waxay sameynayeen dhaqdhaqaaq, anigana daaqadda ayaan ka eegay, waxaana markiiba arkay saddex askari oo ku ordaya ninka xaggiisa"". ""Waxay u muuqatay inuu wax gacanta ku heystay, ma hubo 100%, laakiin mid ka mid ah askartii ayaa toogtay"". Buundada London ayuu horay uga dhacay weerar kale oo khasaare dhimasho geystay. 3-dii bishii June ee sanadkii 2017-kii, weerar ka dhacay halkaas ayey ku dhinteen 8 ruux, halka tiro badanna ay ku dhaawacmeen. Weerarkan ugu dambeeyay ayaa yimid xilli 4-tii bishan Novembar lagu dhawaaqay weerarradii argagixsada ee ka dhici jiray UK ay hoos u yara dhaceen." https://www.bbc.com/somali/war-50607397 +technology Ma garan kartaa marka uu qof been sheegayo? "Fiirin kaliya kuma garan kartid qofka beenta sheegaya, laakiin khubarada cilmi nafsiga waxay isku dayayaan inay la imaadaan xeelado kale oo shaqeyn kara. Tusaale ahaan, Booliska ayaa aaminsanaa in will 17 jir ah oo lagu magacaabo Marty Tankleff uu u muuqday qof daggan kaddib markii la arkay hooyadiis oo toori lagu dilay iyo aabihiis oo dhaawac uu markii dambe u dhintay la gaarsiiyay xilli ay ku sugnaayeen gurigooda ku yaalla meel jasiirad ah. Saraakiishu ma aysan rumeysanin sheegashadiisii ahayd in uusan dambi lahayn wuxuuna dhammeystay 17 sano oo xabsi ah oo uu ku muteystay dilalkaas. Kiis kalena, dambi baareyaal ayaa aaminay in wiil 16 jir ah oo lagu magacaabo Jeffrey Deskovic uu u muuqday qof argagaxsan diyaarna u ah inuu caawiyo dambi baareyaasha kaddib markii arday ay dugsiga sare isla dhiganayeen lagu dilay ceeji. Isaga laftiisa waxaaa lagu xukumay inuu been sheegayay wuxuuna xirnaa ku dhawaad 16 sano. Labada wiil mid ma uusan murugeysneyn. Kan kalena aad buu u murugeysnaa. Hadda sidee ayaa labadaas dareen ee kala duwan loogu ogaaday xaqiiqda ku saabsan dambi qarsanaa. Xaalku sidaas ma ahayn, sida ay sheegtay Maria Hartwig, oo ka tirsan kubarada cilmi nafsiga ee daraasadaha ka sameeya macadha cilmi baarista dambiyada ee Jaamacadda New York. Labada ninba waxaa goor dambe la ogaaday in ay ahaayeen dhibaneyaal si kama ah loogu maleeyay dambiileyaal. Dhaqamada kala duwan waxaa dadka lagu eegaa hab dhaqanka ay u hadlayaan iyo hadallada ay adeegsadaan si loo qiyaaso beentooda iyo runtooda. Hase yeeshee cilmi baareyaashu caddeymo ku filan uma aysan helin arrinta ku saabsan in la eego dadka hab dhaqankooda hadalka, inkastoo ay tobannaan sano cilmi baaris wadeen. ""Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee aan wajahno waa in qof walba uu ogyahay sida ay sheegista beenta u shaqeyso,"" ayay tidhi Hartwig, oo qeyb ka ahayd daraasad lagu baarayay astaamaha lagu karan karo qofka beenta sheegaya. Khubarada cilmi nafsigu waxay muddo dheer ogaayeen sida ay u adag tahay in si dhab ah loo garto qofka aan runta sheegeynin. Sanadkii 2003-dii, Bella DePaulo oo ku takhasustay cilmi nafsiga, haddana ka howl gasha jaamacadda California ee magaalada Santa Barbara, ayaa iyada iyo howl-wadeennada kale ee la shaqeeya waxay aruuriyeen calaamado badan oo laga dheehan karo qofka marka uu been sheegayo. Waxaa ka mid ah googoynta hadallada, neefsashada meelaha aan ku habooneyn, hadallada qiyaasta laga dhex fahmayo, hakadyada qeyrul caadiga ah iyo waxyaabo kale. Waxay isbarbardhig ku sameeyeen sida ay astaamahaas u muuqanayaan marka uu qof run sheegayo ama been sheegayo, inkastoo ay jiraan waxyaabo aysan bani'aadanka qiyaasi karin saxdooda iyo khaladkooda. Aqoonyahannadu waxay xitaa sheegeen in qalabka beenta lagu garto ee la sameeyay qarnigii 20-aad gudihiisa uusan ahayn mid wal walba sida saxda ah wax loogu ogaado. Cilmi baareyaasha waxay soo jeediyeen in booliska iyo dambi baareyaasha laamaha amniga ay ka gudbaan xeeladihii hore ee ay u adeegsan jireen soo saarista xaqiiqda. Waxay ku talinayaan in la badiyo adeegsiga seyniska halkii qiyaas iyo qiimeyn lagu socon lahaa marka lala tacaalayo dambiyada aan caddeymaha lahayn ee jah wareerka keeni kara. Hartwig waxay rajeyneysaa in booliska loo sameeyo tababarro ka caawin kara in ay isticmaalaan xeelado ka fiican kuwii ay ku dhagganaayeen. Mark Fallon, oo ah sarkaal horay uga tirsanaan jiray waaxda dambi baarista ee Ciidanka badda Mareykanka ayaa Hartwig ka caawinaya in laga shaqeeyo tababarista dambi baareyaasha si aan caddaalad darro loogu xukumin dad dhibaneyaal ah. Mr Fallon wuxuu rajeynayaa in mustaqbalka la helo xeelado la isku halleyn karo si aan dadka dambi laaweyaasha ah noloshooda loogu ciyaarin, sida ku dhacday Jeffrey Deskovic iyo Marty Tankleff." https://www.bbc.com/somali/war-56651724 +entertainment Atoore iyo Atariisho la isku xamanayay oo laga soo duubay muuqaal wax badan caddeynaya Jilayaasha caanka ah ee reer Hindiya Tiger Shroff iyo Disha Patani ayaa marar badan warbaahinta iyo baraha xiriirka bulshada ka sheegay inuusan jirin xiriir jacal ah oo labadooda ka dhaxeeya, laakiin muuqaal ay soo qaateen warbaahinta Hindiya, oo uu ku jiro wargeyska Hindustan Times, ayaa muujinaya wax sidaas ka duwan. Labada jilaa ayaa in muddo ahba lagu xamanayay inay lamaane yihiin, inkastoo ay dhankooda ka beeniyeen. Xitaa Tiger walaashiis Krishna Shroff, waxay gaashaanka u daruurtay wararka ku saabsan arrintaas. Hase yeeshee muuqaal lagu soo bandhigay shaashadda Malang ee magaalada Mumbai ayaa laga arki karaa nooca uu yahay xiriirkooda, waxayna dad badan ka dareemeen in wax walba ay dhanka kale yihiin. Muuqalakan la isla dhex marayo ayaa muujinaya Tiger iyo Disha oo ku dhex jira dad badan. Tiger wuxuu atariisha marar dhowr ah garabka uga qabanayaa gacantiisa, xilli labadooduba ay isku diyaarinayaan sawir laga qaadayay. Jilayaashan ayaa marar badan oo hore la isku arkay iyagoo isla jooga. In muddo ahba waxaa si weyn Hindiya looga hadal hayay cidda uu xiriirka la leeyahay Tiger, oo ka mid ah atooreyaasha ugu cadcad ee xilligan laga daneeyo shirkadda filimada Bollywood-ka. https://www.bbc.com/somali/war-51416246 +health Qof qaba cudurka Ebola oo laga helay xadka DRC Congo iyo Rwanda Kiiskii labaad ee cudurka Ebola ayaa laga helay Magaalada Goma oo marin muhiim u ah isu socodka labada waddan ee DRC Congo iyo Rwanda. Dalalka bartamaha qaaradda Afrika ayaa xiligan wajahaya cudurkii ugu xumaa ee faafa, kaas oo dilay inkabadan kun iyo toddob qof. Sanad ayaa haatan laga joogaa markii lagu dhawaaqay in cudurkan uu jiro, waxaana laga cabsi qabaa in ku sii faafo dalalka gobolka. Waxaa la fahansan yahay in bukaanka uu soo safray ilaa iyo boqol kilomitir, kahor inta uusan soo gaarin Magaalada Goma oo uu yimid laba asbuuc kahor. Hasayeeshee toddobadkii la soo dhaafay ayaa lagu arkau calaamadaha cudurkan. Qofkan ayaa haatan lagu karantiilay xarun caafimaad oo loogu talo galay dadka qaba xanuunkan, waxaana kooxaha caafimmaadka ay ku daba jiraan qof la rumeesan yahay in uu la macaamilay qofka laga helay cudurkan, si ay u siiyaan daawooyinka tallaalka cudurkan. Waa kiiskii labaad ee laga helo Magaalada Goma, mana cadda in labadan qof ay ehel yihiin. Inkabadan hal milyan oo qof ayaa la xaqiijiyay inay ku nool yihiin halka laga laga helay qofka qaba cudurkan, waxana in cudurkan laga hortaga ay muhiim u tahay Magaaladan oo ah mid ganacsi. Hay'adaha caafimaadka adduunka ayaa in muddo ahba la tacaalayay cudurkan oo dad badan ku dilay qaaradda Afrika. Dalka Uganda ayaa dhawaan la sheegay in laga helay qof qaba cudurkaas, inkastoo markii dambe dowladda Kenya ay beenisay in qof qaba cudurkaas uu usoo gudbay gudaha dalkeeda. Dalalk ku yaala galbeedka Afrika oo ay ka mid yihiin Guinea, Liberia, iyo Sierra Leone uu horay uga dilaacay. Cudurka Ebola ayaa horay ugu faafay qaybo ka mid ah Congo oo ay colaado ka taagan yihiin,waxaana la weeraray lana dilay shaqaalaha caafimaadka islamarkana dadka deegaanka waxaay shaki ka qabaan hay'adaha gargaarka ee ajnabiga ah. Tan iyo inti uu cudurka Ebola ka dilaacay Congo waxaa ku dhintay dad badan. https://www.bbc.com/somali/war-49173138 +politics Jovenel Moise: Sirta laga helay calooshood u shaqeystayaashii dilay madaxweynaha Haiti "Koox ka soo kala jeedda Colombia, iyo Haiti oo heysta dhalashada Mareykanka oo looga shakisan yahay inay dileen madaxweynihii dalka Haiti, Jovenel Moise, ayaa baarayaasha u sheegay in qorshahooda uu ahaa inay soo xiraan madaxweynaha, balse qorshuhu uusan ahayn in ay dilaan. Moise ayaa arroortii Arbacadii lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Port-au-Prince, waxaana dilka fuliyay koox uu maamulka Haiti ku sheegay in ay yihiin calooshood u shaqeystayaal ajaaniib ah. Waxay ka koobnaayeen 26 u dhalatay Colombia iyo labo u dhashay Haiti balse haysta dhalashada Mareykanka, arrintaas oo xaaladda dalkaas ee awalba xumeyd sii dhabqisay. Weli lama oga cidda soo abaabushay dilka madaxweynaha, iyadoo dalkaasi uu codsaday in taageero caalami ah la siiyo. Xukuumadda Washington ayaa diidday codsiga Haiti ee ah in ciidamo loo diro, inkastoo sarkaal sare oo Mareykan ah uu sheegay in Mareykanka uu koox farsamo u dirayo dalkaasi si loo qiimeeyo xaaladda. Warbaahinnada qaar ayaa la hadlay eedeysanayaasha, waxayna sheegeen in qorshahoodu ahaa inay soo xiraan Moise oo ay u qaadaan xarunta madaxtooyada. Labada u dhalatay Haiti ayaa sheegay in ay turjumaanno u ahaayeen kooxda Colombia u dhalatay ee wadatay ruqsadii lagu soo xiri lahaa madaxweynaha. Booliiska Haiti ayaan weli ka jawaabin arrintaas. Warkan ayaa yimid iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in qaar ka mid ah kooxda Colombia u dhalatay ay sheegeen in ay Haiti u yimaadeen si ay u noqdaan shaqaale dhanka ammaanka ah, ayna caawiyaan madaxweynihii la dilay, Moise qudhiisa. Waxay intaas ku dareen in shirkad ku taalla magaalada Miami ee dalka Mareykanka ay shaqo ka siisay Haiti. Sawirro laga soo qaaday baaritaanka lagu sameeyay meydka madaxweynaha oo leysla dhex marayay baraha bulshada ayaa muujinaya in jirkiisa lagu asqeeyay rasaas iyo in lafihiisa ay jajabeen. Lamase xaqiijin karo sax ahaanshaha sawirradaas. Madaxweynaha dalka Haiti, Jovenel Moïse ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla caasimadda dalkaas, sida laga soo xigtay kusimaha ra'iisul wasaaraha. Wuxuu sheegay in rag hubeysan oo aanan heybtooda la aqoon ay weerar kusoo qaadeen guriga madaxweynaha abbaaree koowdii habeennimo waqtiga dalkaas. Waxaa sidoo kale dhaawac loo geystay marwada koowaad ee Haiti, Martine Moïse. Kusimaha ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in la qaaday tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo dalka, wuxuuna haatan la wareegay awoodda dalkan ku yaalla Caribbean-ka isaga oo shacabka ugu baaqay in xasillooni ay muujiyaan. Wuxuu ku tilmaamay dilka loo geystay madaxweynaha ""Mid gurucan oo ka baxsan banii'aadanimada isla markaana ah weerar fuleynimo."" Dablay aan la aqoonin ayaa gashay guriga madaxweynaha qiyaastii 01:00 habeennimo. Waxaa la sheegay inay ahaayeen ajnebi ku hadlayay luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish. Haiti waxaa looga hadlaa kuuqadaha faransiiska iyo Creole. Wararka qaar ayaa sheegaya in raggu ay ku lebsinaayen dhar madow iyagoo iska dhigayay inay yihiin ciidammada gaarka ah ee la dagaalanka muqaaradka ee Mareykanka. Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo arrintaa xaqiijiyay. Safiirka Haiti ee Mareykanka, Bocchit Edmond, ayaa sheegay inaysan jirin qaab ay ciidammada gaarka ah ee Mareykanka uga dambeyn karaan weerarkaasi. Wuxuu sheegay inay ka dambeeyaan calooshood u shaqeystayaal. Jovenel Moïse, waa 53 jir, wuxuu awoodda Haiti la wareegay bishii February ee sanadkii 2017 kadib markii uu xilka ka degay ninkii isaga ka horreeyay Michel Martelly. Intii uu xilka hayay wuxuu wajahay eedeymo ku aadan musuq maasuq, waxaana dalka ka dhacay mowjado dibadbaxyo oo looga soo horjeeday xukuumaddiisa kuwaas oo looga codsanayay in uu iscasilo. Mucaaradka Haiti waxay ku andacoodeen in muddo xileedka madaxweynaha la dilay uu ku ekaa 7-dii bishii February ee sanadkan. Wuxuu madaxweynaha la dilay ku dooday in sanad ay uga dhiman tahay muddo xileedkiisa. Bishii February markii mucaaradka ay ku cadaadiyeen in uu iscasilo, madaxweynaha la dilay wuxuu xilligg=aas sheegay in la fashiliyay isku day lagu doonayay in dowladda lagu afgembiyo. Xasilooni darrada joogtada ah, hogaamiyayaal kaligood talis ah iyo dhibaatooyinka ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah ayaa waxay Haiti u horseedeen in uu noqdo dalka ugu saboolsan qaaradaha Amerika. Waxaa sare u kacay weerarada ay geystaan burcadda iyo falalka afduubka ah iyadoo heerka maciishadda dalkaas ay hoos u dhacay oo ku dhawaad boqokiiba 60 dadweynaha ay ku nool macluul. Dhulgariirkii ka dhacay Haiti 2010 ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200,000 oo qof, halka uu burburiyay kaabayaashii dhaqaalaha ee dalkaas. Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socday Qaramada Midoobey ayaa la geeyay Haiti sanadkii 2004 si xaaladda amni darrada ah ay wax uga qabtaan balse waxaa ciidamadaas laga soo saaray sanadkii 2017. Wuxuu ahaa ganacsade iyo siyaasi caan ka ah Haiti, wuxuuna ku dhashay gobolka waqooyiga dhaca ee Trou du Nord sanadkii 1968. Wuxuu kasoo shaqeeyay ganacsi uu kamid yahay tabcashada mooska. Sidoo kale wuxuu kamid ahaa dadkii ugu horreeyay ee Haiti ka hirgeliya ganacisga xorta ah ee wax soo saarka beeraha. Jovenel Moïse wuxuu Haiti u horseeday in uu noqda dal ku horumaray dhinaca beeraha si loo xoojiyo dhaqaalaha." https://www.bbc.com/somali/war-57799891 +politics Muxuu yahay muranka ku saabsan faraha digaagga ee u dhaxeeya dowladda Masar iyo shacabkeeda? Mac’hadka nafaqooyinka qaran ee dalka masar ayaa bartiisa facebook soo dhigay, qoraal ku saabsan ‘’dhowr cunto oo qani ku ah nafaqooyin kala duwan oo qiima ahaanna la goyn karo” khaasatan lugaha digaagga. Joornaalada iyo mareegaha wararka ee dawladda masar ayaa sidoo kale daabacay war bixinno ka hadlaya ''faaiidada lugaha digaagga” iyaga oo  soo xiganaya qoralkii mac’hadkku soo dhigay bartiisa facebook. Arrintan ayaa hadal hayn aad u weyn ka dhalisay baraha bulshada iyada oo ay dadku siyaabo kala duwan uga falceliyeen. Dadka qaar ayaa ka shakisan in arrinkan uu yahay ol’ole looga gol leeyahay in dadka lagu dhiira galiyo cunitaanka cuntooyin raqiis ah badalka hilibka digaagga oo qiimihiisu kor usii kacayo, si lamid ah maciishadda iyo  iyo alaabta kale. Mac’hadka ayaa sheegay in lugaha digaagga uu leeyahay '' nafaqooyin, fiitamiinno iyo macadanno ay maqaarka dadka iyo murquhu u baahanyihiin. ”. Wuxuu mac’hadku sidoo kale sheegay in lugaha digaaggu leeyihiin macdanta Collagen oo aas’aas u ah dib usoo noolaynta unugyada, dib dhigista gabowga iyo ilaalinta caafimaadka timaha iyo cidiyaha. Hase ahaatee mac’hadka ayaa daabacay sawirka xidigga kubadda cagta reer boortaqiis Christiano Ronaldo oo dhoola cadaynaya asagoo uu hoos yaal saxan lugaha digaagga ah. Balse baadhitaan kadib waxaa la ogaaday in cuntada sawirka saxda ah ka muuqatay ay ahayd hilibka digaagga ee caadiga ah. Sawirka ayuu markii dambe mac’hadku ka saaray barta, kadib markii dadka baraha bulshada caanka ka ah ay dhaleeceeyeen. Qoraaga reer masar , ahna khabiir dhanka siyaasadda bulshada ah, Camar Cali Xassan, ayaa bartiisa Twitter-ka ku daabacay qoraal uu ku yiri  ‘’kadib markii ay burburiyeen ganacsiga hilibka digaagga oo masar ay caan ku ahayd, ayey hadda sheegayaan faaiidada lugaha digaagga.’’ Halka madaxa waaxda ganacsiga gudaha ee wasaaradda adeeg bixinta Cabdul-muncim Khaliil oo wareysi siiyey telefishiin maxalli ah uu sheegay in lugaha digaagga ay “cunno qaali ah” yihiin, taasoo keentay iney siddeed shirkadood oo Masar laga leeyahay ay lugaha digaagga u dhoofiyaan dalka Shiinaha. Madaxa beeraleyda Masar Xuseen Abu-Saddaam wuxuu si weyn u cambaareeyey in shacabka loogu yeero iney cunaan lugaha digaagga iyada oo la ogyahay qiimaha hilibka digaagga inuu sare u kacay. Masar ayaa la dhibaataysan dhaqaale burbur  waxayna dhawaan heshiis la gashay hay’adda lacagta aduunka ee IMF si qaahiro loo siiyo saddex bilyan oo dolar, marka lagu daro xirmo kale oo uu ka mid yahay hal bilyan oo doollar oo laga helayo Sanduuqa Joogteynta iyo Adkeysiga ee hay’adda iyo shan bilyan oo doollar oo ka timid waddamada iskaashiga hurmarinta. Taas oo macnaheedu yahay wadar ahaan in masar ay heshay sagaal bilyan oo doolar oo gargaar ah. Dhaqaala burburka xooggan ee haysta dowladda Masar waxaa ugasii daray cudurki safmarka covid19 ee dunida ku habsaday iyo dagaalka Ruushka iyo Ukraine. Culeyska dhaqaale ee Qaahira soo food saarayna waxaa si weyn looga dareemayaa daldaloollada ka muuqda miisaaniyadda guud ee dalkaasi iyo iney dalku iska bixin waayo lacagaha dulsaarka deymihi lagu lahaa. Waxayna dowladda Masar rajeyneysaa lacagta 9 bilyan ee doolar oo ay ka sugeysa IMF haddii ay hesho iney wax ka qabato sicir bararka, dhaqaalaha ay furfurto, dalka culeyska deynta ee saaranna uu iska fududeeyo, dadka ay noolashooda hooseyso ee dalkaasi ku noolna nooloshooda sare loo soo qaado. Dowladda Masar warbixin ay dhawaan soo saartay waxay ku sheegtay 30% dadka ku nool dalkaasi Masar iney ku jiraan xaalad saboolnimo. https://www.bbc.com/somali/articles/c034pg6yp21o +politics Maxay tahay danta isku keentay wadamada Qatar shirka ku leh ee Soomaaliya caawinaya? War qoraal ah oo lagu daabcay bogga internet ka ee Dawladd Qatar ayay ku sheegtay in ay qaban doonto shir ay isugu imaanayaan wadamada kala ah Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Midowga Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya kaas oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya. Shirkan mid hordhac u ahaa oo ka dhacay Washingon DC ayaa looga hadlay qorshaha looga doodi doono shirkaan oo la filiyo in uu saddex bil kadib ka qabsoomo Dooxa. Qodabada diiradda lagu saari doono kulanka ayaa lagu sheegay in uu kamid yahay sidii Soomaaliya taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Hadaba su’aasha dad badan oo Soomaliyeed is waydiinayaan ayaa ah, maxay tahay danta ay wadamadaan kaleeyihiin caawinta Soomaaliya. Hadii aynu dib u milicsano xiriirada kala dhaxeeya wadamaan Soomaaliya; Dawladda Qatar waxay muddo saaxiib kaalmeeya la eheed dawladda Soomaaliya. Shantii Sano ee la soo dhaafay waxay mashaariic ka fulisay Soomaaliya – waxaa kamid ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad. Sidoo kale Qatar waxay Soomaaliya ka shqaale ahaan uga qaadatay boqolaal dhalinyaro ah, oo qaarkood loo qaatay shaqo ciidanimo. Dawladda Miwdoga Imaaraadka carabta ayaa Iyana Soomaaliya muddo ka kaamlmeyneysay arrimo uu ammaanku kamid ayahy. Waxay u tababartay Soomalaiya ciidamo ay mushaarkooda bixin jireen, inkasta oo xeradii ay ku lahaayeen Muqdisho ay ka xirtay dawladda Soomaaliya kadib khilaaf diblumaasayeed oo soo kala dhexgalay. Wadmada Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga ayaa iyana ah kuwii ugu horeeyay ee Soomaaliya muddo ka taageerayay dhinaca ciidamada iyo la dagaalanka al-Shabaab. Sidoo kale waxay ka mid yihiin wadamada ugu badan ee bixiya deeqaha caalamiga ah ee ay hesho Soomaaliya. Wadamada khliijka ayaa ah kuwa lagu yaqaanay khilaaf diblumaasiyadeed oo muddo dhexdoodu ka jiray. Wadamada Qatar iyo Midowga Imaaraadka Carabta ayaa muddo kamid ah kuwa khilaafkoodu soo jiitamayay. Axmed Ciise cawad oo ah wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya wuxuu qabaa in khilaafkii u dhaxeeyay wadamadaas uu sii yaraanayo, kadib booqashooyinkii ay wadamadoo isku soo booqdeen Amiirada Qatar iyo Imaaraadka. “In Amiirka Imaaraadka SHeekh Maxamed Bin Zaayid uu booqda Qatar wax la fili kaay maahayn sanad kahor…Amiirka Qatar wuu ka jaawabay taas oo wuxuu booqday Imaaraadka. Sidoo kale Sacuudiga oo qayb ka ahaa [Khiilfka]” ayuu yiri Cawad oo BBC da la hadlayay. Arimaha sidoo kale diiradda lagu saari doono kulankaan ayaa waxaa kamid ah sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya, Waxay sheegeen dawladahaan in ay Soomaali ka caawin doonaan sidii ay u gaari lahayd hanaanka caalamiga ah ee maamulka hubka. Sida uu qabo Axmed Ciise Cawad dawladaha Khaliijka ayaa haatan u arka in ay dano isku mid ah ka leeyihiin Soomaaliya, sidoo kalna ay ajiibeen yeermada dawladda maraykanka oo ay tixgalin u hayaan. Soomaaliya ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ku jirtay guluf colaadeed oo ka dhan ah al-Shababa, kaaso oo loogala waregay kooxda gobolo ku kala bartmaha Koonfurta Soomaaliya. https://www.bbc.com/somali/articles/cy9de7gj4vvo +business Daadinta raashiinka: 900 oo milyan oo tan oo cunto ah ayaa la tuuraa sannad kasta "In ka badan 900 milyan oo tan oo cunto ah ayaa la tuuraa sannad walba, sida lagu sheegay warbixin caalami ah. Mashruuca Deegaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in 17% cuntada ay isticmaalan macaamiisha dukaannada iyo maqaayadaha ay si toos ah u galaan qashinka. Qiyaastii 60% qashinkaas waa mid ka yimaada guryaha. Tan iyo markii ay xayiraadaha la xiriirta Covid-19 bilawdeen, waxaa yaraaday cuntooyinkii qashinka lagu dari jiray. Hay'adda samafalka ee Wrap, oo ah hay'adda ay Qaramada Midoobay isla soo saareen warbixintan, ayaa sheegtay in dadka ay si taxaddar leh u qorsheynayeen adeeggooda iyo cuntadooda. Richard Swannell oo ka tirsan Wrap ayaa u sheegay BBC-da in warbixinta ay soo bandhigtay dhibaato caalami ah oo ""aad uga weyn sidii hore loo qiyaasayay"". ""923 milyan oo tan oo cunno ah oo la khasaariyo sannad kasta, waxay buuxin kartaa 23 milyan oo gaari."" Waa arrin hore loogu tilmaamay inay dhibaato gaar ah u tahay waddamada hormaray, sababta waxay tahay in dadka ay si fudud u iibsan karaan cunto ka badan waxa ay cuni karaan, laakiin baaritaankan ​​ayaa lagu sheegay in ""cunto soo hartay oo aad u badan, meel kasta lagu tuuray"". Waxa jira farqi u dhexeeya natiijooyinka oo muujin kara sida baaxadda dhibaatadu ay u kala duwan tahay marka la is barbardhigo waddamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhaqaalaha haysta. Warbixinta, tusaale ahaan, ma kala saari karin. Xogta lagu kala saarayo qashinka cuntada la cuni karo iyo qeybaha aan la cuni karin, sida lafaha iyo qolfoofta kale, waxaa keliya oo laga heli jiray wadamada dakhligoodu sarreeyo. Sida ay sheegtay Ms Otto, Wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo, waxay u badan tahay in ay luminayaan cunno aad u yar. waxay intaa ku dartay in natiijada ugu dambeysa, ay ahayd in adduunku ""uu iska burburinayo dhammaan ilihii loo isticmaali jiray in lagu sameeyo cuntadaas"". Agaasimaha fulinta ee UNEP, Inger Andersen, ayaa ku adkeysanaysa in wadamada ay ka go'an tahay dadaalka lagu yaraynayo kalabar qashinkan. marka la gaaro sannadka 2030. ""Haddii aan rabno in aan si dhab ah wax uga qabanno isbeddelka cimilada, wasakheynta deegaanka iyo qashinka, waa in ay ganacsiyada, dawladaha iyo muwaadiniinta dunida oo dhan ay qaybtooda ka qaataan sidii loo yareyn lahaa cuntada la qasaarinayo,"" ayay tiri. Richard Swannell ayaa tilmaamay in ""Cuntada la khasaariyey ayaa sabab u ah 8-10% wasakhaynta hawada iyo bay'ada, marka haddii cuntada la daadiyay ay waddan ahaan lahayd, waxay noqon lahayd midka saddexaad ee ugu weyn."" Sida lagu sheegay baaritanka ay sameysay Wrap; qorshaynta, keydinta taxaddarka leh iyo karinta inta loo baahanyahay ayaa hoos u dhigtay 22% marka loo eego sida ay ahayd 2019-kii. Hoos u dhaca ayaa la sheegay inuu qayb ka qaatay xayiraadihii dalalka badan lagu soo rogay, intii uu Covid-19 socday. ""Inaan joogno guryaheena waxay sababtay inay dadka bartaan cunto karinta dufanka badan iyo qorsheynta cuntada,"" ayay tiri hay'adda samafalka. ""balse ra'yigii ugu dambeeyay wuxuu soo jeedinayaa in heerarka qashinka cuntada ay u badan tahay in ay mar kale sare u kacdo, marka laga baxo xayiraadda."" Dadaal looga jiro in laga fogaado taas, cunto kariyayaal caan ah ayaa bilaabay olole ka dhan ah qashinka jikada lagu tuurayo. In kasta oo malaayiin tan oo cunto ah la tuuray, dad lagu qiyaasey 690 milyan oo qof ayay saameysay macluul, sannadkii 2019-kii. Tiradaas ayaa la filayaa in ay aad kor ugu kacdo xilliga uu jiro cudurka safmarka ee korona." https://www.bbc.com/somali/war-56290773 +entertainment Saca cilinka ah ee caanka noqday ee ay dadka u tartamayaan in ay sawir la galaan! "Beer ku taala dalka Bangladesh waxaa ku sii qulqulaya boqollaal qof, si ay u arkaan sac caan ah oo cilin ah, kaas oo loo yaqaano Rani. Neefkan lo'da ah oo aad u baryar, wuxuu jiraa 23-bilood, wuxuuna dheererkiisu yahay 51 sentimitar oo keliya, culeyskiisuna waa 28 kilo gram. In kasta oo ay jiraan xayiraadaha 'Covid- 19 ah, hadana in ka badan 15,000 oo qof ayaa lagu soo waramayaa in saca ay ku booqdeen beerta uu ku sugan yahay oo ku taal Charigram, oo u dhow caasimadda Dhaka. Maamulaha beerta Xasan Howladar ayaa dalbaday in lagu daro Buugga diiwaanka mucjisooyiinka ee Guinness, isagoo sheegay in neefka Rani ay tahay lo'da ugu gaaban adduunka. ""Weligey ma arkin wax sidan oo kale ah,"" waxaa sidaasi BBC Bangla u sheegay qof booqday saca cilinka ah. Xasan Howladar ayaa sannadkii hore saca ka soo iibsaday beer ku taalla waqooyi galbeed ee Bangladesh, gaar ahaan degmada Naogaon. Waxa uu sheegaya in saca uu la daalaa dhacayay socodka, sidoo kalana ka baqayay lo'da kale ee la joogtay beerta Shikor Agro, sidaa darteed wuu iska gooni yeelayay lo'da kale. ""Saca waxa badan ma cuno, keliya wuxuu cunaa wax yar oo caws ah, laba goor maailintii,"" ayuu yiri Howladar. Wuxuu sacaan jecel yahay inuu bannaanka dhex mushaaxo, waxayna umuuqataa inuu ku faraxsanyahay markaan gacmaheena ku qabanno. Howladar ayaa BBC-da u sheegay in baarayaasha Buugga Diiwaanka ee World Guinness ay sannakan gudihii soo booqan doonaan beertiisa si ay u arkaan saca una qiimeeyaan in uu yahay neefka lo'da ugu gaaban caalamka. Iyadoo ay uun toddobaadyo ka harsan tahay munaasabadda Ciidul Adxa, waxaa jiray warar sheegaya in saca la iibiyo oo loo isticmaalo udxiyada, Laakiin maamulka beerta ayaa diiday arrintaas." https://www.bbc.com/somali/war-57759918 +health Tallaalka Covid ma wuxuu sababaa caado wareer? "Isbeddello yar oo caadada haweenka ku yimaada ayaa ka dhalan kara tallaalka Covid balse si degdeg ah ayay xaaladdu caadi ugu soo laabataa, sida ay sheegtay dhaqtarad sare oo UK u dhalatay kuna takhasustay caadada. Dr Victoria Male, oo ka tirsan Kuleejka Imperial ee London, ayaa daraasadda laga sameeyay Mareykanka iyo Norway ku tilmaantay mid xaqiiq ah. Waxayna sheegtay in wararka been abuurka ah ay dabka u hurinayaan walaaca laga qabo dhalmo la'aanta. Waaxda caafimaadka ee UK ayaa sheegtay inaysan jirin caddeyn loo hayo in noocyada tallaalka Covid ay saameeyaan dhalmada. Waxadan oo baarta tayada dawooyinka iyo waxyaabaha daryeelka caafimaadka ayaa heshay in ka badan 37,000 oo warbixinno ah oo ku saabsan dhiigbax lama filaan ah oo xubinta taranka haweenka ah, dhiigbax caadada ah iyo caadada oo soo daahda kaddib qaadashada tallaalka Covid. Waxay mar walba waaxdu ku celcelisaa inaysan jirin caddeyn ku aaddan xiriir ka dhaxeeya arrimahaas iyo tallaalka, iyadoo sheegtay in xilliyada caadada ee haweenku ay si dabiici ah u kala duwan yihiin, balse saynisyahannada ayaa ku baaqaya in la sameeyo baaritaan dheeraad ah. Dr Male ayaa farta ku fiiqday labo daraasadood oo la sameeyay. Daraasad Mareykanka laga sameeyay oo ay ka qeyb qaateen ku dhowaad 4,000 oo haween ah iyadoo la adeegsanayo app lagula soconayo xilligooda caadada ayaa lagu ogaaday inay caadadu ka soo daahday marka ay qaateen kuurada labaad ee tallaalka, balse taasi laguma arkin kuurada koowaad. Haweenka qaatay labada kuuro ayaa waxay caadadu ka soo daahday labo maalmood, balse Dr Male ayaa sheegtay inay u badan tahay inaysan taas ku dhicin haweenka UK, oo ay labada kuuro ugu yaraan siddeed toddobaad u dhaxeeyaan. Tobankii haweenba mid ayaa sheegtay in muddo siddeed maalmood ah ay caadada ka soo daahday, marka loo barbardhigo 25-kii haweenba mid oo aan tallaalneyn. Balse ugu dambeyn si caadi ah ayay ku soo laabatay. Daraasad kale, oo ay ka qeyb qaateen in ka badan 5,600 oo qof oo ku nool Norway, ayaa muujineysa sida ay xilliyada caadadu u si dabiici ah ugu kala duwan yihiin. Ku dhowaad 40% haweenkaas ayaa isku arkay hal isbeddel, xitaa kahor tallaalka - iyadoo cabashooyinka ugu badan ay yihiin dhiigbax caadada ah oo sida caadiga ah ka duwan. Dr Male ayaatiri: ""Isbeddellada xilliyada caadada way dhacaan kaddib tallaalka - balse way yar yihiin marka loo barbar dhigo tan dabiiciga ah."" Walaaca haweenka ayaa ka dhashay ""warbixinnada khaldan ee ah in tallaalka Covid-19 uu sababo dhalmo la'aanta haweenka"", ayay tiri. Sidoo kalena daraasado badan oo ku saabsan uurka ayaa loo baahan yahay in la sameeyo si loo caddeeyo in tallaalka uusan saameyn ku lahayn. Caabuqa Covid, ayaa si kastaba, ""laga yaabaa inuu yareeyo tirada iyo tayada biyaha ragga"" - in aad loo fahmana waxay ka dhigan tahay in bukaannada la siiyo talo saxan. Waxaa dhowaan la filayaa in daraasad laga sameeyo haweenka UK iyadoo la adeegsanayo app-ka lagula soconayo xilligooda caadada. Ilaa 51 milyan oo kuuro oo tallaalka Covid ah ayaa la siiyay haweenka ku nool UK." https://www.bbc.com/somali/war-60163576 +health Wuxuu dafirsanaa jiritaanka covid-19 balse maxaa ku dhacay? "Darawal Taksiila ah oo ku nool gobalka Florida ee dalka Mareykanka isla markaana aan aaminsanaan jirin in fayarska karona uu yahay cudur jira ayaa hadda ku waayay xaaskiisii uu jeclaa Covid-19. Labada lamaane ayaa ka dhaga adeygay raacidda tilmaamaha caafimaad ee ka imaanayay wasaaradda caafimaadka bishii May. Brian oo xanuunku haleelay ayaa ka bogsaday balse xaaskiisii oo aheyd 46-jir ayaa si ba'an ugu bukootay waxayna u dhimatay bishaan aynu ku jirno ee Agoosto iyadoo qabtay dhibaatooyin dhanka wadnaha ah oo lala xiriiriyay fayraska. Brian ayaa BBC-da la hadlay bishii Luuliyo waxaana uu qayb ka ahaa barnaamij looga hadlayay fayraska karona. Waqtigaas, xaaskiisa waxay ku jirtay Isbitaalka iyada oo uu ku xirnaa qalabka dadka buka neefta ka caawiya ee loo yaqaano ventilator-ka. Erin, oo ka shaqeyneysay kaniisadaha ku taala Florida, ayaa qabtay dhibaatooyin caafimaad oo la xiriira neefta iyo hurdada. Ninkeedu waxaa uu sheegay in aaney raacin tilmaamaha caafimaad bilowgii cudurka taasi oo uu sabab uga dhigay warar been abuur ah ay ka arkeen baraha bulshada Brian waxaa uu iska sii watay shaqadiisa Taksiga waxaana uu xaaskiisa siiyay dawooyin isaga oo aan sameynin dhamaan talaabooyinka muhiimka u ah ka taxadarida xanuunka sida xirashada agabka wajiga lagu xirto ee Maskarada loo yaqaano iyo sharcida kale. Sidoo kale waxaa ay lamaanahaani ka gaabiyeen in ay si dhaqso ah u tagaan goobaha caafimaadka kadib markii bishii May labadoodaba laga helay Covid-19. Brian oo BBC-da la hadlayay ayaa ku cataabay in uu ka shalaynayo in aanu dhageysan bilowga cudurka wixii loo sheegi jiray ee saxda ahaa waxaana uu rajo ka muujiyay in uu doorbidi lahaa in xaaskiisu cafin lahed. ""Kani waa fayras dhab ah oo dadka u saameeyay si ka duwan sidii hore. Ma bedeli karo wixii la soo dhaafay. Maanta ayaan noolaan karaa oo aan samayn karaa xulasho wanaagsan oo mustaqbalka ah,"" ayuu yiri Brian. ""Waxaan u maleyn jirnay in dowladdu ay u adeegsaneyso in ay nagu mashquuliso, ayuu yiri Brian,"". Dhaqaatiirta iyo khubarada caafimaadka ayaa ka digay wararka xaqiiqda ka fog ee ku gadaaman fayraska karona oo ay ku tilmaamayaan in marin habaabinta bulshada ay ka dhalan karto arrin halis ah . Inkastoo ay shirkadaha baraha bulshada sameyeen isku dayo ay wax uga qabanayaan macluumaadka khaladan iyo wararka been abuurka ah ee la xiriira fayraska karona haddana waxaa loogu baaqayaa in loo baahanyahay in bilaha soo socda ay sameyaan dadaalo dheeri ah oo arrimahaan wax looga qabanyo. Afhayeen u hadlay Shirkadda Facebook ayaa BBC-da u sheegay sidaan: ""Uma oggolaanayno waxyeeleynta wararka been abuurka ah barteena,intii u dhexeysay bilahii Abriil iyo Juun waxaan meesha ka saarnay in ka badan toddobo milyan oo ciwaan oo lagu baahiyay warar been abuur ah oo ku saabsanaa Covid-19', oo ay ku jiraan sheegashooyinka la xiriira daawooyinka beenta ah""." https://www.bbc.com/somali/war-53899846 +politics Badda Koonfurta Shiinaha: Maxaa ku dhacay markabka Mareykanka ee nuclear-ka xambaarsan? "15 naaquude oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay kaddib markii markab nooca biyaha hoostooda quusa ah oo xambaarsan hubka nuclear-ka uu ku dhawacay ""wax aan la aqoonin"" xilli uu dhex socday biyaha ku dhow badda Koonfurta Shiinaha. Maalintii Sabtida ayuu shilkan ku dhacay markabka oo lagu magacaabo USS Connecticut, naaquudeyaashana waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka. Waxa ay mas'uuliyiintu intaas ku dareen inaan ilaa hadda la aqoonin sababta ay ku dhacday arrintan. Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in markabkan uu hadda ku wajahan yahay dhulka uu Mareykanku leeyahay ee Guam. ""Wax jug ah ma aysan gaarin qaybta nuclear-ka ku tallaalan yahay ee markabka USS Connecticut, si fiican ayayna u shaqeynayaan qaybihiisa kala duwan,"" ayuu yiri afhayeenka oo soo saaray bayaan. Waxa uuse intaas ku daray in wali la qiimeynayo waxyeellada shilkaas kasoo gaartay markabkan sida hubka halista ah. Dhacdadan ayaa kusoo aadday xilli xiisadaha ka aloosan gobolkan aadka loogu muransan yahay ay sii xoogeysteen, halka Shiinaha iyo Taiwan oo cadaawad ka dhaxeysana ay isku sii xumaadeen dhawaanahan. Wararkii ugu dambeeyay ee ku aaddan xiisadda Shiinaha iyo Taiwan ayaa sheegayay in Beijing ay ku xad gudubtay hawada difaaca ee Taiwan. Markabkan waxyeelladu gaartay ee USS Connecticut waxa uu ka howl galayay mid ka mid ah gobollada uu muranka ugu xooggan ka taagan yahay ee caalamka. Dowladda Shiinaha ayaa sheegata in ay leedahay inta badan badda Koonfurta Shiinaha, balse dalalka ku hareereysan iyo Mareykanka ayaa ku gacan seyray sheegashadaas. Waddamada kala ah Philippines, Brunei, Malaysia, Taiwan iyo Vietnam ayaa dhammaantood qayb ka ah muranka, waxayna muddo tobannaan sano ah kasoo hor jeedaan in Shiinaha uu leedahay baddaas, laakiin xiisadda ka dhalatay arrintan ayaa sii xoogeysatay sannadihii ugu dambeeyay. Washington ayaa la safan inta badan waddamadan oo ay ku taageersan tahay muranka ka aloosan dhulkaas. Dhacdadan ugu dambeysay ee markabka ayaa kusoo beegantay dhowr isbuuc uun kaddib markii dalalka Mareykanka, UK iyo Australia ay kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo ku aaddan amniga gobolka Asia-Pacific, tallaabadaas oo loo arkayay mid ka dhan ah Shiinaha. Heshiiska oo magaciisa loo soo gaabiyo Aukus ayaa ka dhigan in Mareykanka uu xog la wadaago Australia si ay u sameysato maraakiibta badda hoosteeda quusa ee nuclear-ka xambaara oo u gaar ah iyada. Dhanka kale, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in ""uu aad uga walaacsan yahay"" ficillada hagardaaminaya hannaanka nabadeed ee geeddi-socodka Taiwan, kaasoo kala saaraya Taiwan iyo Shiinaha. Waxa uu Mr Sullivan hadalkan jeediyay kaddib markii uu Shiinaha diyaarado militari oo ah kuwii ugu badnaa abid u diray hawada difaaca ee Taiwan, kuwaasoo afar maalmood oo xiriir ah dhaqdhaqaaqyo sameynayay xilligaas. Mar la weydiiyay in Mareykanku uu isku diyaarinayo inuu tallaabo militari u qaadayo si uu u difaaco Taiwan ayuu Mr Sullivan yiri: ""Waxa aan dhahayo waa sidan, hadda waxaan qaadeynaa tallaabo aan isugu dayeyno inaan ka hor tagno maalin noocaas ah inay abid nasoo marto."" Arbacdii, wasiirka gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegay in Shiinaha uu u muuqdo inuu diyaar u yahay sidii uu ""dagaal buuxa"" ugu qaadi lahaa jasiiraddan wixii loo gaaro 2025-ka. Taiwan ayaa isu aragtay inay tahay dowlad madax-bannaan, halka Shiinaha uu dhankiisa u arko inay tahay gobol khiyaanay iyaga ayna tahay in dib loogu soo celiyo Shiinaha, taasna la sameyn doono xitaa haddii ay lagama maarmaan noqoto in xoog loo adeegsado." https://www.bbc.com/somali/war-58839214 +technology Coronavirus: Adeegga internet-ka ee 5G ma faafiyo coronavirus Covid-19 "Ururka Seynisyahannada adduunka ayaa cambaareeyay sheegasho ku saabsan in adeegga internet-ka ee 5G uu wiiqayo difaaca jirka uuna sababayo in xanuunka coronavirus uu sii fido. Muuqaallo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinaya baallayaasha telefoonnada gacanta oo dab lagu qabadsiiyay magaalooyinka Birmingham iyo Merseyside, waxaana la raaciyay sheegashada ku saabsan in adeegga 5G uu mas'uul ka yahay faafista cudurka Covid-19. Fariimaha ayaa lagu wadaagay baraha ay bulshada ugu isticmaalka badan tahay ee Facebook, YouTube iyo Instagram, waxaana ku jira ciwaanno ay ku xiran yihiin boqollaal kun oo qof. Balse seynisyahanada ayaa sheegaya in aragtida la isugu xirayo Covid-19 iyo 5G ay gebi ahaanba tahay waxba kama jiraan aan macquul gal ahayn. Stephen Powis, oo ah agaasimaha NHS England ayaa u aqoonsaday sheegashadan inay tahay nooca ugu xun ee wararka been abuurka ah. Qaar badan oo ka mid ah kuwa fariimahan dadka la wadaagaya ayaa gadaal ka riixaya fikraddan daahsoon ee been abuurka ah, iyaga oo ku andacoonaya in 5G - oo loo adeegsado shabakadaha taleefanka gacanta oo ay ku tiirsan yihiin mowjadaha raadiyaha - ay si uun mas'uul uga yihiin cudurka coronavirus. Fikradahan ayaa u muuqda in markii ugu horraysay lagu daabacay barta Facebook dhammaadkii bishii January, isla waqtigaasna kiisaska ugu horreeyay laga diiwaan galiyay dalka Mareykanka. Waxay u muuqdaan inay labadan mid yihiin: ""labada sheegasho waa kuwo aan micno sameyneyn"", ayuu yiri Dr Simon Clarke, oo wax ka dhiga University of Reading. ""Sheegashada ah in 5G uu yareynayo difaaca jirka ma aha mid la hubo,"" ayuu yiri Dr Clarke. ""Difaacaaga jirka waxaa wax yeelleyn kara wax walba, sida adigoo hal maalin daallan, amaba aan cunin cunto isku dheellitiran. Ma aha wax weyn balse waxay kuu nugleyn karaan inaad qaaddo fayraska. In kasta oo mawjadaha raadiyaha ee aad u xooggan ay sababi karaan kuleylka, 5G ma jiro meel u dhow oo leh awood ku filan oo ay ku kululeyso dadka, ilaa ay ku yeelan karto saameyn macno leh. Mowjadaha raadiyaha ee ku lug leh 5G iyo tiknolojiyadda kale ee telefoonka gacantu aad bay tabartooda u hooseysaa. Iyaga oo ka awood yar iftiinka muuqda, ma laha awood ay ku waxyeelleeyaan unugyada - wayna ka duwan yihiin shucaaca sare ee ugu dambeeya heer kulka oo ay ka mid yihiin fallaaraha qorraxda iyo raajooyinka caafimaadka. Waxaan sidoo kale macquul ahayn in 5G ay faafiso fayraska, ayuu yidhi Adam Finn, oo ah barfasoor ku takhasusay caafimaadka carruurta ee Jaamacadda Bristol. ""Cudurkan saf-marka ah ee hadda jira, waxaa keena fayras loo kala qaado hal qof oo qaba cudurka oo loo gudbiyo qof kale. Waan ognahay in tani ay run tahay. Waxaa xitaa sheybaarkeenna yaalla feyras laga soo qaaday qof xanuunsan. Feyrasyada iyo hiraraka tiknoolijiyadda ee isku xira internetka iyo telefoonnada gacanta ayaa u shaqeeya siyaabo kala duwan, waana sida ay u kala duwan yihiin jeestada iyo farmaajada,'' ayuu yiri. Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado cillad kale oo weyn oo ku saabsan fikradaha shirqoolka ah - coronavirus wuxuu ku fidaa magaalooyinka ka tirsan UK oo wali aan la geynin adeegga 5G iyo waddamada sida Iiraan oo aan wali soo saarin teknoolojiyadda noocaas u shaqeysa. Waxaa jiray sheekooyin cabsi badan oo ku saabsan wareegga adeegga 5G, ka hor inta uusan dillaacin cudurka coronavirus, kaas oo lagu hubiyay barnaamijka xaqiijinta runta iyo beenta, sida su'aasha ah: adeegga 5G ma keenayaa khatar caafimaad? Shirkadda Mobile UK ayaa sheegtay in wararka been abuurka ah ee la isla dhex marayo ee 5G la xiriirinaya coronavirus ay yihiin kuwo walaac abuuraya, halka Waaxda tiknoolojiyadda casriga ah, dhaqanka, warbaahinta iyo ciyaaraha ay sheegtay inuusan gebi ahaanba jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya. Fayrasyadu waxay weeraraan unugyada bani'aadamka ama xayawaannada, waxayna u isticmaalaan inay ku tarmaan, taasina waa waxa keena caabuqa. Fayrasyadu kuma noolaan karaan meel dheer oo ka baxsan waxa nool, sidaa darteed waa inay raad ku helaan si ay u galaan gudaha- sida caadiga ah iyaga oo u maraya dhibcaha dareeraha ah ee qufaca ama hindhisada. Marka la eego habka hiddasidaha ee coronavirus waxay natiijadu sheegeysaa in fayrasku uu ka yimid xayawaanka kaddibna uu u gudbay bani'aadamka." https://www.bbc.com/somali/war-52184757 +health """Hooyadey horteed ayay caadada iga go'day""" Bal qiyaas adigoo dhowr iyo taban jir ah ama 20 oo markaas ay caadada kaa tagto. Ma aheyn wax ay Emma, Soe-Myat IYO Elspeth, qiyaasayeen carruurnimadooda. Markii la ogaaday waxa ay qabaan waxay noqotay bilowga safar dheer oo noloshooda soo mara kaas oo haweenka oo dhan ay la kulmaan xilli ka mid ah noloshooda balse inta badan kama hadlaan. Waxay aheyd August 2013-kii goor subax ah, markaas oo dhakhtar uu baaray galka caafimaadka ee Emma Delaney, wuxuuna u sheegay in ay caadada kaga tagtay 25 jir. Emma waxay ka kici weysay kursiga salkiisu adkaa ee isbitaalka, waxaana madaxeeda ka dhexguuxayay wixii uu lahaa. Caadadii aan soo laaban ilaa markii ay kaniinka joojisay dhowr sano ka hor marna ma soo noqoneyso. Suurgal ah uma ahan in si dabiici ah ay uur u qaaddo. “Ma garanayo wax aan ku jawaabo .. wuxuu sheegay sida inaan lumiyay furayaasheyda oo aan carruur dhali karin” ayey tiri Emma waxay qeyb ka tahay haween ay saameysay xaalad loogu yeero “Ugxansidaha oo shaqada qabaneyn” taas oo lala xiriiriyo hab kasta oo 40 jir wixii ka yar ay caadada kaga tagto. Inta badan lama oga sababta balse haweenka qaba dhibaatadaas waxay dareemaan astaamaha caada istaagga ilaa ay ka gaaraan 50 sano Mid ka mid ah 100kii haween ee UK ayaa xaaladdaas qabta, waxayna khubarrada aaminsan yihiin inay intaas ka sii ballaaran tahay. Waa arrin weli la baarayo “Gabi ahaanba si ku filan loogama hadal caado istaagga haweenka da’da yar” ayey tiri Dr Nighat Arif oo sidoo kale ka mid ah dhakhaatiirta qoysaska ee hey’adda caafimaadka Ingiriiska NHS, waxayna xiddig ka tahay Tik Tok iyadoo si gaar ah u daneysa daryeelka caada istaagga. Emma iyo kuwa la midka ah ma garanayaan sababta uusan u shaqeyneyn ilmo-galeenkooda balse ugxansidaha oo shaqada qabaneyn waxaa sababa xaalado difaaca jirka, koromosoomyada oo jirran ama qalliin lagu sameeyay ugxansidaha, iyo sidoo kale saameyn jir iyo mid maskaxeed taas oo iyana cawaaqib xun yeelan karta. Kaddib markii dhakhtarka Emma uu warka u sheegay, saacad ayey gaarigeeda ku dhex ooyneysay Emma waxba kama garaneyn caado istaagga marka laga reebo wixii ay ka maqashay dumarka da’ada ah ee ay kula kulanto xarunta ay ka shaqeyso ee timaha lagu hagaajiyo oo ku taal Manchester. Waxaa meesha ka baxay mustaqbalkii ay ku hammineysay ee ahaa in ay hooyo u noqoto labo carruur ah. Bilihii xigay, Emma waxay qaadatay daawooyinka hormoonnada. Waxay ogaatay in ugxansidaheeda uu joojiyay shaqada, jirkeedana ma soo saarayo Istrajiin iyo borojastaroon, waa labo hormoon oo maamula wareegga caadada. Isku dheellitirnaan la’aanta ayaa caafimaadkeeda saameeyay sanado. Wax aysan isku aqoon ayey dareentay. Kulayl sida in dab lagu qabanyo jirkeeda oo dhan iyo hurdo la’aan ka timid isku dheellitirnaan la’aanta hormoonka. Xanuunka waxaa ku sii kordhiyay iyadoo weli hooyadeed oo da’ 40 meeyo ku jirto aysan weli caadada ka tagin. Saaxiibbadeeda waxay billaabeen inay degaan oo reer iyo carruur yeeshaan. “Waxaan dareemay inaysan cidi i fahmeyn,” ayey tiri. Emma shaqo ayey isku mashquulisay, mana dooneyn inay ka hadasho xaaladdeeda. Xiriir aan rasmi aheyn iyo haasaawe ayey ku dhammeysay habeennadeeda. Waxay dooneysay wax ka duwan saaxiibbadeeda reeraha yeeshay “Waxaan jirkeyga ku dilay qamri iyo galmo.. ma ogeyn inaan u baahanahay in aan qof la hadlo,” ayey itir. Haddii haweenka iyagoo yar oo ay caadada ka istaagto aysan wax weyn aheyn, kuwa  badan waxaa la ogaaday xaaladdaas kaddib markii ay bilaabeen daaweynta mid kale oo halis ah Si lama filaan ah ayey caadada kaga tagtay Soe-Myat Noe kaddib markii kansar laga daaweeyay. Sanadkii hore billowgiisa, iyadoo 23 jir ah ayaa laga helay kanskar xiidmaha oo marayay heerka saddexaad. Shucaacii lagu daweeyay agagaarka miskaha ayaa waxyeelay ugxansidaha, xilligaas ma ogeyn wax ay noqoneyso. “Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha waxay xoogga saarayeen kansarkeyga iyo daaweyntiisa .. ma filayo in cidi igala hadashay waxa caado istaagga tahay” ayey tiri Astaamaheeda oo ay ka mid yihiin dhawaq sida seeriga dhagaha xanuunjiya, welwel, daal ayaa soo baxay. In laga hadlo dhalmo iyo caado ma aheyn wax guud markii Soe-Myat ay barbaareysay, marka lama socon wax imaan kara. Saaxiibbadeeda jamacadda waxaa culeys ku ahaa daawooyinka uurka looga hortago, ma fahmi karin waxa ay mareysay. “Wax kasta ee igu dhacay, waxaan u haystay inay ku dhacaan waayeelka .. waxaan dareemay sida in qeyb weyn oo nolosheyda ah aan ka booday.” Soe-Myat waxay kala hadli kartaa caafimaadka maskaxdeeda dhakhaatiirta ku shaqada leh balse kan jirkeeda lama tixgelin. Waa inay iyada taas raadsataa. Inkastoo daaweynta hormoonada ay ku habboon tahay haweenka qaba noocyo gaar ee kansarka haddana Soe-Myat tani iyada looguma talogalin, markii ay bilowday inay qaadatana waxbaa iska baddalay Ilaa markaa kaddib waxaa loo sheegay in uu cudurkii ka baxay. Waxay sidoo kale sameysay inay socoto iyo inay ka fogaato cabitaannada kulul. Waxay jacleyd in hore loogu sheego sidii ay ku maarreyn laheyd astaamaheeda “In ay sidan u adkaato ma aheyn” ayey tiri Barta bulsho ee Dr Nighat Arif waxaa ka buuxo farriimo ka yimid haween taas oo kale ay soo martay. Waxay ku baaqday in shaqaalaha caafimaadka ay si fiican u fahmaan daryeelka caado istaagga, waxayna dooneysaa in haweenka da’ kasta oo ay jiraan aysan waxba qarsan “Fadlan la hadal haweenka qoyskaaga. La sheekeyso hooyadaa, ayeydaa, eeddadaa, saaxiibtaa. Ma ahan wax laga xishoodo, fahan waxa ay marayaan” Dr Arif waxay sheegtay in hadda haween badan la ogaaday inaysan ilmo qaadi karin sababtuna ay tahay in si weyn loo fahmay astaamaha, inkastoo ay waqti dheer qaadan karto in sax loo helo. Haddii aan la daaweyn waxa uu saameyn mustaqbalka fog ku yeelan karaa lafaha, wadnaha iyo caafimaadka maskaxda haweenka “Bukaannada qaar mugdi ayey galaan” ayey tiri, “Waxay doonayaan inay carruur helaan taas ayaana meesha ka baxday” Elspeth Wilson waa 23 jir, si wanaagsan ayey ula socotaa. Markii ay jirtay 15 sano ayaa laga helay in ugxansidaheeda uusan shaqeyneyn. Nolosheeda oo dhan waxaa ku adkeyd inay galmo sameyso. “Way adag tahay in aad qof xiriir la sameyso oo aad tusto jaceyl, haddana jirkaaga uu diidayo waxyaabaha qaar” ayey itiri.  “Waxa i niyadjabiyay waa dhakhaatiirta oo marnaba waxweyn ka dhigin tan” Elspeth waxay bilowday shaqadeedii ugu horreysay kaddib markii jaamacadda ay soo dhammeysay. Inkastoo ay ku ammaanty shirkadda ay u shaqeyso taageerada ay siiyeen haddana isbeddelka ma sahlaneyn. “Waxaa ii raacay awood la’aan. Waxaa isoo mara daqiiqado maskaxdu fariisato, oo aan mugdi galo” Waxaa culeyska ka yareeya WhatsApp ay ku jiraan dumar kale oo ay isku xaalad yihiin. Wax walba ayey ka sheekeystaan. “Waxaad heleysaa meel aad su’aalo ku weydiiso oo aad ku furfurato … hadii aad leedahay awood aad ku hadasho waa meel aysan wax ceeb ah ka jirin, aad ayey u fududdahay.” Soe-Myat oo ku biirtay koox haween da’yar ah oo internetka ku xiriira ayaa taa la qabta. “Waxaan dareemay awood” ayey tiri Waa cashar ay Emma muddo kaddib baratay. Sanado ay ka warwareegeysay xanuunka laga sheegay, ugu dambeyn Emma waxay billowday inay si furan uga hadasho wixii ay soo martay. Waxay billowday inay dareenkeeda u sharraxdo dhakhtarkeeda kaas oo ka caawiyay inay sideedii ku soo laabato. Dhowr sano ka hor waxay heshay lammaane fahma xaaladdeeda oo hadda ay wada nool yihiin. Barta Instigaraamka waxay ku taxan tahay cabashooyinka la xiriira caada istaagga, waxayna aasaastay shabakadda Daisy oo ah mid ka shaqeysa inay siiso xog iyo taageero haweenka aan ilmaha qaadi karin. Markii ugu horreysay ayey la hadashay dad kale oo fahamsan waxay mareyso. Hadda waa 34 jir waxayna ku hammineysaa inay ubad hesho. Ugxaan loogu deeqo ama IVF waa niyadjab, ayey itiri, sidaa darteed waxay hadda ku fakareysaa inay ilmo korsato. Mararka qaarna waxay shaqadeeda u xirataa shaar madow oo ay ku qoran tahay “Caado istaagga waa arrin muhiim ah”. Macaamiishada waxay dhahaan ma gaarin xilli ay caadada kaa tagto, markaa kaddib ayay u sharraxdaa xaaladdeeda. “Waxay igu dhahaan waxbadan ayaan ka barannay caadada oo tagta 30kii daqiiqo aan kula joognay taas oo ka badan nolosheenna intii aan ka ogeyn. Waan ku faraxsanahay inaan ku wargelinayo gabar kasta” https://www.bbc.com/somali/articles/clkxz2rg0mdo +entertainment "Jilaaga caanka ah ee Amitabh Bachchan(Cali dheere) ""oo isbitaal loola cararay""" "Qaar ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn Hindiya, sida wargeyska Hindustan Times iyo telefishinka NDTV, ayaa wax ka qoray warar ku saabsan xaaladda caafimaad ee Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Amitabh Bachchan, oo ay Soomaalidu u taqaanno (Cali Dheere). Mr Bachchan ayaa Isbitaalka Nanavati ee magaalada Mumbai u tagay baaritaankiisii caafimaad ee wareegtada ahaa, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Isbitaalkaas. Wakiilka Isbitaalka oo la hadlayay wargeyska Hindustan Times ayaa sidoo kale sheegay in sida la filayo dhawaan jilaaga laga saari doono halkaas. ""Mr Bachchan wuxuu u yimid baaritaankii caafimaad ee wareegtada ahaa, wuxuuna halkan joogay ilaa maalintii Talaadada"", ayuu yiri. Galinkii hore ee maanta waxaa soo baxayay warar sheegayay in Amitabh aysan xaaladdiisa caafimaad wanaagsaneyn oo isbitaalkana loo dhigay si loo daweeyo. Sida lagu xusay war uu shaaciyay wargeyska Times of India, Atooraha waxaa isbitaalka loola cararay saacaddu markii ay ahayd 2am habeenimo, waabariga ka hor, ka dib markii xanuun dhinaca beerka ah uu kusoo booday. Waxaa lagu soo warramay in lagu daweynayay qol khaas ah, oo la mid ah sida kan la geeyo dadka ay xaaladdoodu aadka u liidato ee loo yaqaanno ICU. Ma jirin cid loo oggolaa inay halkaas gasho, marka laga reebo xubnaha ugu dhow qoyskiisa, sida lagu sheegay warbixintaas. Dhinaca kale, Amitabh ayaa bartiisa Twitterka soo dhigayay qoraallo iyo sawirro xiriir ah. Mid ka mid ah wuxuu kusoo daabacay sawirka xaaskiisa, isagoo ugu hambalyeynaya dabaaldagga munaasabad sannadle ah oo dalkaas laga xuso. Amitabh wuxuu muddo dheer la daalaa dhacayaa xanuun uu ka qabo beerka ka dib markii uu si lama filaan ah ugu dhacay cagaarshoyga noociisa loo yaqaanno Hepatitis B, xilli uu shil galay isagoo filim jilaya. Tan iyo xilligaas nabarrada ku abuurmay beerkiisa wuxuu ku waayay 75% ka mid ah xubintiisa beerka. Wargeyska Hindustan Times ayaa mar soo xigtay isagoo dhahaya: ""Cagaarshowga Hepatitis B ayaa iigu yimid si lama filaan ah. Ka dib markii aan shil galay anigoo jilitaan sameynaya, waxaa dhiig ii shubay 200 oo ruux, waxaana la igu shubay ilaa 20 dhalo oo dhiig ah"". Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: ""Mid ka mid ah dadkii dhiigga ii shubay ayaa qabay jeermiska cagaarshoygaas, dhiiggiisii ayaana la igu shubay. Si fiican ayuu beerkeyga u shaqeynayay ilaa sanadkii 2000, markaas oo ahayd ku dhawaad 18 sano ka dib markii uu shilka dhacay. Anigoo baaritaan caafimaad oo wareegto ah la igu sameynayo ayaa mar qura la igu wargaliyay in beerkeyga uu jirranyahay, waxaana iga go'day 75%"". Amitabh wuxuu 11-kii bishan October u dabaaldagay sanad guurada dhalashadiisa ee 77-aad, isagoo markaas la kulmay taageerayaal badan oo u rajeeyay cimri dheer. Wuxuu hadda ku mashquulsanyahay jilista dhowr filim oo ay ka mid yihiin Jhund, Brahmastra iyo Sitabo Gulabo." https://www.bbc.com/somali/war-50100034 +politics Madaxweyne loo haysto maxaad u qarisay tuugadii kuu soo dhacday? "Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo dhawaan hadlayay ayaa qiray in xisbigiisa ANC uu haatan marayo xilligii uu ugu liitay balse isaga qudhiisa ayaaba lagu dheggen yahay. Afar sano ka hor waxa uu xilka kala wareegay madaxweyne Jacob Zuma oo musuqmaasuq uu dhaawacay sumcadda maamulkiisa, wuxuuna xilligaasi ballanqaaday in uu la dagaallamayo musuqmaasuqa. Balse madaxweyne Cyril ayaa haatan la daalaa dhacaya fadeexado musuqmaasuq. Tan ugu daran ayaa ah muranka ka dhashay qarin la sheegay in uu qariyay burcad bishii Febaraayo ee sanadkii 2020 u dhacday beer uu ku leeyahay Phala Phala. Arrintani ayaa ku soo beegmeysa xilli xisbiga ANC lagu wado in sanadkan uu soo xusho murashaxiisa xilka madaxweynennimada ee doorashada dalka ka dhici doonta 2024, waana xilli madaxweyne Ramaphosa uu wajahayo cadaadis aad u xooggan. Kaddib in muddo ah oo ka caga jiidayay in uu ka hadlo ayuu ugu dambeyn Jimcihii dhowaa ka jawaabay su’aalo la xiriria dhacdadaas oo uu weydiiyay dacwad-oogaha ugu sarreeya dalka ee baaraya dhacdadaas. Kholeka Gcaleka ayaa madaxweynaha ugu hanjabay in uu u yeeri doono maaddaama uu horay ugu guul-darreystay in uu ka soo jawaabo su’aalaha ku gaadaaman dhacdadaas. Xogta ku saabsan dhacdada iyo sidii loola dhaqmay kooxdii burcadda ahayd oo markii dambe la qabtay ayaa bannaanka u soo baxday bishii Juun ee sanadkan, waxaana arrintaas shaaciyay madaxii hore ee sirdoonka qaranka, Arthur Fraser. Fraser oo ah nin aad ugu dhow madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ayaa madaxweyne Ramaphosa ku eedeeyay afduub, laaluush bixin iyo in si aan sharciga waafaqsanayn uu u amray in la soo qabto raggaas oo beertiisa ka dhacay lacag lagu qiyaasay 4,000,000 oo doollar. Fraser waxa uu intaasi ku daray in lacagtaas tirada badan oo sida la sheegay lagu dhex qariyay barkimo ay suurtagal tahay in markeedi horeba lagu kasbaday qaab sharcidarro ah, sida in musuqmaasuq ay ku soo gashay madaxweynaha. Dhacdadaas ayaa la sheegayaa in ay geysteen rag u dhashay dalka Namibia oo falkaasi la soo maleegay shaqaalihii beerta madaxweyne Ramaphosa. 'Wax dambi ah ma aanan geysan’ Maaddaama lacagta la xaday ay ahayd lacag qalaad, waxay arrintaa ka dhigan tahay in la jebiyay sharciyada xakamaynta sarrifka. Jawaabtii ugu horreysay ee uu bixiyay ayuu madaxweynuhu ku sheegay in ""eedeymahaas aysan sal iyo baar toona lahayn"". Xafiiska madaxweyne Ramaphosa ayaa xaqiijiyay in tuugo ay dhacday beertiisa oo ku taal gobolka Limpopo, ""dhacdadaas oo keentay in la xado  dhaqaalihii ka soo xarooday iibinta ugaarta beertaasi"", balse waxa uu muran ka keenay tirada uu sheegay madaxii hore ee sirdoonka qaranka Arthur Fraser. Qaar ka tirsan su’aalaha uu soo jeediyay xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa la xiriira suurtagalnimada in madaxweynaha uu ku xadgudbay xeer-hoosaadka anshaxa iyo dastuurka, maaddaama uu qariyay xatooyada ka dhacay beertiisa. Waxa ay sidoo kale dooneysaa in ay ogaato tallaabooyinka uu madaxweynuhu qaaday si loo hubiyo in si fiican loo baaro xatooyadaas. Madaxweynaha ayaa ku gacan seyray eedeymaha Arthur Fraser oo uu ku tilmaamay olole sumcad-dil ah oo isaga ka dhan ah, kaa oo ay wadaan dadka kasoo horjeeda ajandihiisa la-dagaallanka musuqmaasuqa. Waxa uu sidoo kale aaminsan yahay in siyaasiyiinta isaga ka soo horjeedda ee gudaha xisbiga ANC aysan dooneyn in uu mar labaad qabto xilka madaxweynenimada dalka. Khudbad uu jeediyay labo toddobaad ka hor, ayuu Ramaphosa ku sheegay ""in uu ballan-qaaday in uu si buuxda ula shaqayn doono baaritaanka ka dhanka ah dhacdadaas"", uuna ku faraxsan yahay in lala xisaabtamo. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in uusan oggolaan doonin in eedeymaha [musuqmaasuqa] ay ka hor istaagaan in uu sameeyo waxa loo baahan yahay in la sameeyo, si ay dib ugu dhisaan dhaqaalaha dalka, iyo in ay ka joojiyaan oo ay ka niyad-jabiyaan shaqadiisa. Hadalka Ramaphosa waxaa aad ugu farxay oo la dhacay taageerayaashiisa. Balse hadalkiisa wuxuu u muuqday in si sarbeeb ah uu dagaal gudaha ah ugu caddeysanayay xisbigiisa ANC. Sida uu qabo sharciga xisbiga ANC, qof kasta oo lagu soo oogo dacwad musuqmaasuq ama dambiyo kale waa in uu xilka isaga tago inta ay baaritaannadu socdaan. Inkastoo madaxweynaha aan si rasmi ah loogu soo oogin wax dambi ah, haddana taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka Jacob Zuma ayaa doonaya in uu xilka iska casilo. Bishii hore, boqollaal ka tirsan taageerayaasha Zuma ayaa ku hor mudaaharaaday xarunta xisbiga ANC, iyagoo dalbanaya in la soo xiro madaxweynaha iyo in uu xilka iska casilo. Zuma oo maxkamadeyntiisa musuqmaasuqa la xiriirta ay dib u billaaban doonto bishan, ayaa taageero ka helaya garabka bidix ee xisbiga ANC, waxaana taageerayaashiisa ay weli qaadan la’ yihiin  xabsigii uu sanadkii hore ku muteystay in uu ku guul-darreystay in uu ka qaybgalo baaritaan gaar ah oo ku saabsanaa musuqmaasuqa loo haystay ee la sheegay in uu dhacay xilligii uu madaxweynaha ahaa. Waxa uu xabsiga ku jiray ku dhowaad ​​labo bil oo ka mid ahaa 15-kii bilood ee lagu xukumay,  ka hor inta aan loo fidin cafis caafimaad. Dalabka is-casilaadda ah ee ay soo gudbinayaan taageeryaasha Zuma ayaa sii xoogeystay kaddib markii qaar ka tirsan wufuud ka qeybgaleysay shir ka dhacayay gobolka  KwaZulu-Natal - oo ah xarunta Zuma ay ku oriyeen Ramaphosa. 'Muuqaal dhaawacaya sumcadda dalka' Mucaaradka ayaa sidoo kale sii hurinaya cadaadiska siyaasadeed ee ka dhanka ah madaxweynaha. Bantu Holomisa, oo ah hoggaamiyaha Midowga Dhaqdhaqaaqa Dimuquraadiga ah, ayaa warqad u qoray afhayeenka baarlamaanka, waxa uuna ka dalbaday in shaqada laga joojiyo madaxweynaha ilaa iyo inta ay ka soo baxayaan natiijada baaritaanka ka dhanka ah madaxweynaha. ""Eedaymahaas waxay si weyn u dhaawaceen sumcadda dalkeenna, waxa ayna u badan tahay in ay si xun u saamayso kalsoonida maalgashadayaasha, maaddaama madaxweyne Ramaphosa uu markii hore u dhaqmay sida halyey u taagan maamul wanaagga,"" ayuu yiri Holomisa. Inkasta oo ay jiraan su’aalo ay tahay in madaxweyne Ramaphosa uu ka jawaabo oo la xiriira doollarka laga xaday beertiisa, haddana xilliga Fraser uu soo shaac-bixiyay arrintan ayaa loo arkaa mid laga shakin karo marka loo eego tartanka loogu jiro qabashada hoggaanka xisbiga ANC. Dadka reer Koonfur Afrika ayaa la qabsaday fadeexado musuqmaasuq, shirqool siyaasadeed iyo in la is-ceebeeyo ka hor tartanka loogu jiro hanashada jagada ugu sarreysa xisbiga ANC. Sanadkanna waxba kama duwana kuwii hore. Bisha Diseembar ee sanadkan ayuu xisbiga ANC qaban doontaa shir-weyne doorasho oo ay ku dooranayaan qofka noqon doona murashaxa madaxtinnimo ee xiga, waxaana hubaal ah in arrintaas ay xiisad ka dhalan doonto." https://www.bbc.com/somali/articles/c1wz0ejlenwo +politics Silvia Romano: Talyaani samafale ah oo lagu haystay Soomaaliya oo dalkeedii lagu celiyay "Haweeney Talyaaniga u dhalatay oo gargaarka ka shaqeynaysay oo bishii Nofeembar 2018 lagu afduubtay gudaha waddanka Kenya, ayaa waxaa dib loogu celiyay dalkeeda hooyo. Silvia Romano, oo ah 25-jir, ayaa markii ay Rome ka degtay waxaa hab siiyay waalidkeed iyo walaasheed, waxaana salaamay ra'iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda. Wararka ayaa sheegaya in haweeneydaasi laga soo daayay maleeshiyaad looga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, oo Sabtidii ku sugnaa meel u dhaw caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Ciidammada sirdoonka Talyaaniga ayaa sheegay in xaqiijinta soo daynta gabadhaasi ay gacan ka gaysteen Soomaaliya iyo Turkiga. Ma ay jirto cid sheegatay mas'uuliyadda afduubka gabadhaasi lagu kaxaystay 18 bilkood ka hor. Bishii Janaayo 2019, ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen weerrar lagu qaaday hoteel iyo xafiisyo ku yaal caasimadda Kenya ee Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen 21 qof. Kaddib markii ay Axaddii ka dagtay garoonka diyaaradaha ee Ciampino ee magaalada Rome, ayaa Ms Romano waxa ay sheegtay inay ""maskax iyo jir ahaanba"" caafimaad dareemayso. Waxaa la socday rag afka soo duubtay oo ka tirsan sirdoonka waddanka Talyaaniga. Dhanka kale, Enzo oo dhalay Ms Romano ayaa sheegay inuu ""farxad weyn dareemayo"". Waxaa la garaacay gambaleelka kaniisadda, dadkuna waxa ay ka mashxaradaynayeen barsooyinka magaalada Milano ee ay ka soo jeedo Ms Romano iyagoo dadkaasi u dabaaldegayay soo laabashadeeda. Ms Romano, oo u shaqeynaysay hay'adda samafalka Talyaaniga ee Milele Onlus, ayaa rag hubaysan waxa ay sanadkii 2018 ka afduubteen hoteel ku yaal tuulo yar oo ka tirsan deegaanka Kilifi, ee koonfur bari waddanka Kenya. Waxaa la rumaysnaa in markii dambe loo qaaday dhinacaas iyo Soomaaliya. Booliska Kenya ayaa markii gabadhaasi la afduubtay waxa uu soo bandhigay abaalmarin gaaraysa $10,000 oo la siin doono ciddii gacan ka gaysta soo helista Ms Romano. Ms Romano ayaa aheyd ajnabigii ugu horreeyay ee gudaha Kenya lagu afduubto tan iyo 2011 markaas oo ay aad u badnaayeen afduubka taas oo halis galisay dhaqaalihii dalxiiska dalkaasi ka soo geli jiray. Bishii Abriil 2019, laba dhakhtar oo u dhashay waddanka Cuba ayaa waxaa laga afduubtay waqooyi bari Kenya, waxaana la rumaysan yahay in dhinaca Soomaaliya loo kaxaystay. Al-Shabaab ayaa waxaa loo malaynayaa inay mas'uul ka aheyd dilka nin British ah iyo afduubka xaaskiisa oo lagala tegay jasiirad lagu raaxaysto sanadkii 2011. Todobaadyo kaddib, haweeney naafo ah oo u dhalatay waddakna Faransiiska ayaa waxaa laga kaxaystay gurigeeda oo ku yaal magaalada Lamu, waxaana markii dambe la soo tabiyay inay dhimatay intii afduubka loo haystay. Laba nin oo samafalayaal Spain u dhashay ayaa isla sanadkaasi ay maleeshiyaad laga shakisanyahay inay jihaadiyiin yihiin ka afduubteen xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee ku taal meel u dhaw xadka Soomaaliya. Waxaa la soo daayay 21 bilood kaddib." https://www.bbc.com/somali/war-52611536 +health Cimilada kulul oo la ogaaday in ay saameyso caafimaadka canugga ku jira caloosha hooyada "Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in haweenka uurka leh ee ka shaqeeya dhulka aadka u kulul ay dhibaato soo gaarto ilmaha ay caloosha ku sidaan. Dhibaatooyinka ka dhalan kara cimilada kulul waxaa kamid ah: sare u kac ku imaada garaaca wadnaha canugga caloosha ku jira iyo in uu hoos u dhaco qulqulka dhiigga ee xuddunta canugga. Cilmi-baarayaasha waxay sheegeen in loo baahan yahay in lala yimaado tallaabooyin wax ku ool ah si loo ilaaliyo haweenka uurka leh ee dhibataada kala kulma saameynta isbeddelka cimilada. Sababtoo ah isbedelka cimilada wuxuu horseedaa in uu sare u kaco heer-kulka, dhibaatadan ayaana ah mid caalami ah. Daraasaddan oo lagu daabacay majaladda ""The Lancet Planetary Health"" ayaa shaaca ka qaadday in sare u kac kasta oo ku yimaada heer-kulka uu boqolkiiba 17% saameeyo ama kordhiyo welwelka oo dhibaato u keeni kara ilmaha caloosha ku jira. Inkasta oo daraasad lagu sameeyay saamaynta kulaylka uu ku yeesho haweenka uurka leh ee ku nool dalalka horumaray, haddana waxaa la rumaysan yahay inay tahay markii ugu horreysay ee cilmibaaris diiradda lagu saaro saamaynta kulaylka badan uu ku reebo hooyada uurka leh gaar ahaan kuwa ku nool waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo. Tusaale ahaan, hooyooyinka uurka leh ee ka shaqeeya beeraha uu ka baxo bariiska ee gobolka West Kiang ee dalka Gambia waxay muddo siddeed saacadood ah ku shaqeeyaan qorraxda iyagoo guraya dalagga. Heerkulka halkaas wuxuu gaaray ku dhawaad ​​45°. Inta lagu jiro xilli-roobaadka, waxaa jira kuleyl daran. Khubarada, oo kaashanaya aaladaha casriga ah ee ultrasound-ka ayaa duubay isla markaana wax ka ogaaday garaaca wadnaha canuga ku jira caloosha hooyada. Waxaana sidoo kale baaritaanka diiradda lagu saaray markii ay hooyooyinka ay bilaabeen shaqada ilaa tan iyo markii ay dhammeeyeen.\nCilmibaarayaasha waxay sidoo kale eegayeen saameynta uu ku leeyahay hooyooyinka uurka leh, waxay ku arkeen , madax xanuun, daal iyo lalabo Dr. Ana Bonell oo ah madaxa baaritaanka u qaabilsan xarunta LSHTM, ayaa sheegtay in boqolkiiba 33 ay ilmaha caloosha ku jira ay ku arkeen in uu cadaadis dareemay. ""Aad ayaan uga naxay markii aan ogaannay in ilmaha caloosha ku jira uu saameyn kala kulmay kuleylka daran"". ""Canuga caloosha ku jira, waxaan ku aragnay in garaaca wadnahiisa uu kordhay ilaa xad uu gaaray, waa xaalad aad halis u ah"". ""Waxaan sidoo kale aragnay saameynta wareegga dhiigga uu ku yeeshay kuleylka gaar ahaan xuddunta oo ah halka canuga uu ka quuto"" ayuu tiri Dr. Ana Bonell. Dhakhtarka Bonell waxay sidoo kale sheegtay in isbaddallada cimilada ayaa sheegtay in hooyooyinka uurka leh ee dhibaatada kala kulma kuleylka ay dhalin karaan ilmo xanuunsan ama kuwa dhicis ah. ""Waxaan rajeyneynaa in cilmi-baaristan ay badbaadin doonto haween badan iyo ilmahooda, waa in sidoo kale laga hortaggaa dhibaatooyinka ka dhasha isbaddallada cimilada"". Dr Bonell waxay sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in cilmi baaris dheeraad ah lagu sameeyo sida kulaylka ba'an uu u saameyn karo wareegga dhiigga ee ilmaha ay ku siddo caloosha." https://www.bbc.com/somali/articles/cxxj54pj30jo +health Waxay noqotay gabadhi ugu horreysay oo dhakhtar ka noqoto qoys seddex jiil qaxooti soo ahaa """Gabdha badan oo bulshadayada ka tirsan waxaa dhiirragelisay guusheyda. Ilmaha yaryar marka ay yimaaddaan goobteyda shaqada waxay yirahdaan waxaan dooneynaa inaa kuugu dayanno dhakhtarna aan noqonno,"" ayey tiri Dr Saliima Raxmaan. Saliima waxay asal ahaan ka soo jeedda dalka Afghanistaan waxayna ku dhalatay xera qoxooti oo ku yaalla dalka Pakistan. Waxayna halgan iyo dadaal dheeraad ahba ay u gashay sidi ay ugu biiri lahayd kulliyadda keli ah ee caafimaadka lagu barto ee xeradaasi ku yaalla si ay u noqoto dhakhtaraddi ugu horreysay oo bulshada ama qowmiyadda Turkmen ka soo jeedo. Sida oo kale 2012-ki waxay ku guuleysatay abaalmarinta qaaradda Asiya ee ay UNCR bixiso. Warbixin ay qaramada midoobay soo saartay oo ay ugu tala gashay maalinta qaxootiga adduunka oo ku beegan 20 June waxaa lagu sheegay dadka la midka ah Saliima oo guriyahooda ka soo barakacay iney 100 malyan kor u dhaafeen. 10% dadkaasina ay yihiin dad ku barakacay dagaalka Ukraine. Dabayqaadi 2021-kii dad ka badan 27 malyan oo qaxooti ah ayaa dalal kala duwan gaaray. Dadka Saliima la midka ah, qaxootigaasi intooda badan waxaa marti geliyey waddamada soo koraya. Dalal uu ka mid yahay Pakistan weli ma saxiixin heshiisyada caalamiga ah ee qaxootiga. ""Anigu waxaan ka mid ahay dadka seddex jil qaxooti soo ahaa...waxaa soo marnay caqabado aad u badan, ayey tiri dhakhtaradda 29 jirka ah. Saliima awoowgeed labaad wuxuu ka soo cararay dagaal sokeeye oo ka dhacay Turkmenistan muddo hadda laga joogo hal qarni wuxuuna degay gobolka Jowzjan ee dalka Afghanistaan. Kaddib marki ay Midowgii Sofiyeeti 1979-kii qabsadeen dalka Afghanistaan wuxuu u qaxay dalka Pakistan, waxayna ku kulmen iskuna guursadeen qoyska Saliima xerada qaxootiga Sawabi oo ku yaalla gobolka Khyber Pakhtunkhwa. Xeradaasi oo aan eheen mid leh adeegyada aasaasiga sida biyaha, korontada iyo daryeel caafimaad midna. ""Sida ay ii sheegtay haweeney umulisa ah anigu marki aan dhalanayey hooyadey waxaa loo sheegay inaan calooshaeeda ku gudbanaya oo si sax aan u fadhin, dhakhtarki arrintaa wax looga qaban lahaa oo noo jira 70km lacag hooyadey lagu geeyo aabbahey ma heysan oo wey iska joogtay."" ""Qoyskeyga waxay la soo kulmeen dhibaatooyin maskaxeed iyo mid jireed. Waxayna go'aansadeen ilmaha ay dhalan iney dhakhtar ka dhigaan."" Aabbaheed isaga oo ay da'diisu yar tahay ayuu agoon noqday sidaa ayuuna waxbarashada. BAlse wuxuu ku soo fara adeegay sidi uu Saliima waxbarashada uga taageri lahaa. Sida la wada ogsoon yahay bulshada Turkmen ee ay Saliima ka soo jeedda waxay caan ku yihiin sameynta roogagga. Gabdhaha intooda badanna waxbarasho looma diro oo shaqooyin ayey qabtaan xataa wiilasha laftooda waxbarashada waa laga joojiyaa. Saliima da'deedu 3 jir marki ay gaartay ayey waaliddiinteeda xeradi qaxootiga ka baxeen oo ay guri ka kireysteen magaalada Attock oo Islamabad u jirta 80km. Waxbarashadana waxay ka sii wadatay dugsi deegaankaasi ku yaallay. ""Markaa ayaan ogaaday inaan haysto fursad la mid ah kuwa ay haystaan ardayda kale. Maadaamaa noolashi qaxootinimo ee aan soo maray ay ahayd mid aad u adag."" Hay'adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Qaxootiga e UNHCR waxay sheegtay 5 qof oo qaxooti ah 2 ka mid ah iney carruur yihiin. Warbixin 2018-ki ay hay'adaha qaramada midoobay si wada jir ah u soo saareen waxay ku sheegeen kala bar Saliima tani iyo yaraanteedi haweenka qaxootiga ayey u raaci jirtay Isbitaallada iyo Xaruumaha kale ee caafimaadka si ay uga tarjumto afka Urdu ee ay ku hadlaan. Xirfadlayaasha ay la kulantana waxay ugu yeeri jireen Dr Saliimaa maadaamaa ay tahay gabar caafimaadka si weyn ugu xiran. Magaca looga yeeri jiray carruurnimadeedi ayey ugu dambeynti nasiib u yeelatay in looga yeero maadaamaa ay cagta saartay waddadi ay dhakhtar ku noqon lahayd. ""Marki ay i qaadatay kulliyadda caafimaadka aad ayaan u farxay. Waxaanna garwaqsaday inan cagta saaray waddadi aan riyadeyda iyo riyada waalidkeygaba ku rumeyn lahaa,"" ayey tiri. 2014-kii ayey dhammeysatay shahaadada digriiga koobaad ee caafimaadka balse sharciga Pakistan ayaa u diiday iney dhakhtarnimo ku shaqeyso. Mudo dheer marki ay shaqo raadineysay kaddib haddana waxay go'aansatay iney bilaawdo waxbarasho kale oo afar sana ah oo takhasuska cilmiga arrimaha dumarka (Gynacology), waxbarashada marki ay dhameysatayna waxay ka howl gashay Isbitaalka 'Holy Family', oo ku yaalla Rawalpindi. ""Waxaan la shaqeeyay koox ka kooban shan dhakhtar, maalmahaa oo mashquul badnaa waxaan kormeeri jirnay dhallaan gaaraya 50 oo ku jira qaybtayada,"" ayey tiri Dr Saliima Raxmaan. Sheekada gabadhan dhalinyarada ah oo Dhakhtaradda ah waxay soo jiidatay hay'adda UNHCR. Waxayna hay'addu laamahadowladda ee ay quseyso ay kala hadleen xuquuqda ay u leedahay iney shaqeysato iney u oggolaadaan. Ugu dambeyntina 2021-ki ayey dhammeystay waxbarashadeeda takhasuskeeda labaad, kaddibna waxay xaruun iyada u gaar ah ka furatay Attock. ""Qofki ugu horereyey ee aan daweeyey waxay noqotay ayeydeey. Waxayna iigu timid inaan dhiigga ka baaro maadamaa ay dhiig kar leedahay. Runti aad bey iigu faantay."" ""Waxaan doonayaa inaan dadka qaxootiga u adeego. Waxaan dareemayaa xanuunkooda. Waxaanna dareensanahay iney ii bahan yihiin."" ayry tiri Dr Saliima Raxmaan. Dalal badan oo caalamka ka tirsan oo uu ka mid yahay dalka Pakistan, sanada badan qaxootinimo waad ku joogi kartaa balse aad ayey u yar tahay fursadda aad ku hesho dhalashada dalkaasi." https://www.bbc.com/somali/war-61820450 +technology Howlgalka Nasa Dart: Dhagax inuu cirka kasoo dhaco laga baqayo oo loo diray qalab "Dayax-gacmeed ayaa loo diray howlgal lagu tijaabinayo tiknoolojiyad laga damacsan yahay inay mar uun ka takhalusto dhagax halis ah. Howlgalka Dar oo ay billowday shirkadda Nasa ee hawada sare u qaabilsan Mareykanka ayaa lagu soo eegayaa sida ay u adag tahay in dhagaxaas laga joojiyo inuu kusoo dhaco dhulka. Dayax-gacmeedka ayaa ku qarxi doona shey lagu magacaabo Dimorphos si loo arko inta uu la egyahay xawaarihiisa iyo sida marinkiisa looga leexin karo. Haddii dhagaxan uu kusoo dhaco dhulka waxa uu khasaare musiibo ah gaarsiin karaa dhul baaxad weyn oo la eg qaarad dhan. Dabayaaqadii bishii November ayaa la diray gantaalka Falcon 9 oo xambaarsan dayax-gacmeedka, kaas oo ka baxay saldhig ku yaalla gobolka California. Waa isku daygii ugu horreeyay ee lagu damcay in shey hawada sare jira marinka looga weeciyo, iyadoo ujeeddadu ay tahay in la barto qaabka loo difaaci karo dhulka. ""Dart waxa uu baddali doonaa oo keliya wax aad u yar oo ka mid ah waqtiga uu orbit-ka Dimorphos ku socdo. Dhab ahaantiina waa intaas uun waxa la rabo si loogu diyaar garoobo dhagax ka horreeya waqtigiisa,"" ayay tiri Kelly Fast, oo ka tirsan xafiiska difaaca meeraha dhulka ee hay'adda Nasa. Iyadoo ka hadleysay dirista dayax-gacmeedka ayay tiri: ""Wali waan dhownahay oo waxba nooma hagaagin, waxaan ku khasban nahay inaan gaarno Dimorphos, balse tani waa tallaabo aad u weyn oo horay loo qaaday."" Dhaxyada hawada sare lagu arkay ayay seynisyahannadu aaminsan yihiin inay qayb ka ahaayeen meerayaasha. Haddii ay si dhif iyo naadir ah u dhacdo in dhagaxyadan ay ka leexdaan khadka ay ku wareegaan oo ay kasoo gudbaan qorraxda una soo tallaabaan dhinaca dhulka, waxaa ka dhalan karta halis. Howlgalka Dart, oo ay ku baxeyso lacag dhan $325m (£240m) ayaa lagu bartilmaameedsanayaa labo dhagax oo ku wareega meel isku dhow. Labada dhagax midka weyn, oo lagu magacaabo Didymos, ayuu cabirkiisu yahay 780 oo mitir ballac ahaan, halka midka yar ee dariska la ah uu dhan yahay 160 mitir. Dayax gacmeedka ku guda jira howlgalka Dart ayaa ku socon doona wareeg u gaar ah oo ku gedaaman qorraxda. Kaddib waxa uu bisha September ee sanadkan 2022-ka gaari doonaa meesha loogu talogalay si uu u abbaaro dhagaxa isagoo ku socda 6.7 milyan oo meyl. Dart waxa uu markaas ku qarxi doonaa dhaxaga isagoo xawaarihiisu yahay 15,000mph (6.6 km/s). Taasi waxay baddali doontaa xawaarada uu dhagaxa ku wareegayo oo laga dhimayo wax yar oo la eg hal milimitir ilbiriqsigiiba - sidaasna waxaa laga weecinayaa marinkiisa. Waa isbaddal aad u yar balse ku filan in laga hortago sidii uu ugu soo dhici lahaa dhulka." https://www.bbc.com/somali/war-59876835 +politics Weerar lagu geystay mindi oo ka dhacay UK Saddex qof ayaa ku dhintay tiro saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii lagu toorriyeeyey Baakin ku yaal magaalada Reading, ee dalka Ingiriiska sida ay booliisku xaqiijiyeen. Nin 25 sano jir oo lagu tuhunsan yahay falkan kana soo jeeda magaalada Reading ayaa loo qabtay weerarka. Weerarku wuxuu ka dhacay Beeraha Forbury abaare 7-dii fiidnimo xiliga dalka Ingiriiska halkaas oo dhowr qof toorri lagu weeraray. Ilo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa u sheegay BBC-da in ninkan loo qabtay kiiskani uu yahay yahay Liibiyaan. Qof goobjooge ah ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay nin dhex maraya dadka oo ku sugnaa beerta isaga oo isku dayaya inuu mindi la dhaco. Waxaa jira warbixino sheegaya in sarkaal booliis ah uu si dirqi ah ku qabtay tuhmanaha isaga oo isku deyaya inuu baxsado sida laga soo xigtay wargeyska Sunday Mirror. Taliyaha booliska Thames Valley ayaa sheegay ineysan jirin cid kale oo ay ku daba joogaan weerarkan. Waxa uu intaasi ku daray ineysan haatan dhacdadaan u aqoosanayn fal argagixsisonimo ah balse booliska ay weli baadhitaan wadaan iyagoo taageero ka helaya booliska la dagaalanka argagixisada ee koonfurgalbeed. Booliska ayaa codsaday in qofkasta oo haya muuqaal ama sawir la xidhiidha weerarkan uu soo gudbiyo. Balse waxaa dadka loogu baaqay ineysan baraha bulshada ku faafinin sawirada iyo muqaallada laga duubay weerarka, hadakan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii baraha bulshada lagu arkayay muuqaallo dhex-wareegaya oo la xidhiidha weerarka. Booliska Thames Valley ayaa sheegay in dhacdada aysan la xiriirin ololaha nolosha qofka madaw waa muhiim oo mar sii horreysay ka socday goobta ay mashaqadu ka dhacday. https://www.bbc.com/somali/war-53124958 +politics Xildhibaanad sheegtay inay bistoolad la tageyso Kongareeska Mareykanka "Haweeneyda dhowaan loo doortay Kongareeska Mareykanka ayaa sheegtay in bistooladdeeda ay la tagayso Kongareeska Mareykanka. Muuqaal la soo bandhigay Axaddii, ayaa wuxuu muujinayaa Lauren Boebert oo Jamhuuriga ka tirsan oo cabbeysaneysa isla markaana xiraneysa bistoolad, iyadoo kaddibna la dhex mareysa waddooyinka magaalada Washington. ""Waxaan bistooladdeyda ku dhex qaadan doonaa DC iyo Kongareeska,"" ayay ku tiri muuqaalka, oo la daawaday in ka badan labo milyan oo jeer. Balse taliyaha booliiska magaalada ayaa sheegay inuu qorsheynayo in Ms Boebert uu kala hadlo shuruucda adag ee ka taalla qaadashada hubka. Ms Boeber ayaa magaalada Rifle ee Colorado ku leh maqaayad lagu magacaabo Shooters Grill, taas oo shaqaalaha ku dhiirrigelisa inay soo qaataan hub, maaddaama uu oggol yahay sharciga gobolka. Arrinta xuquuqda hubka ayaa qeyb weyn ka ahayd ololaheedii doorashadii dhacday bishii November. ""Inkastoo aan haatan ka shaqeeyo mid ka mid ah magaalooyinka ugu ilbaxsan Mareykanka, waan diiday inaan ka haro xuquuqdeyda,"" ayay Ms Boebert ku tiri muuqaalka oo Axaddii la soo dhigay Twitter-ka. Balse booliiska ayaa si degdeg uga falceliyay arrintaas, iyadoo Taliyaha Booliiska Washington DC Robert Contee III uu weriyeyaasha ku yiri: ""Haweeneydaas Kongareeska ka tirsan waxaa la marin doonaa isla ganaaxa la mariyo qof walba oo lagu qabto isagoo waddooyinka DC hub ku sita."" Iyadoo dastuurka Mareykanka ay ku xusan tahay xaqa ay dadku u leeyihiin inay heystaan hubka, haddana shuruucda arrintaas u degsan ayaa kala duwan. Xubnaha Kongareeska ayaa loo oggol yahay inay hubka ku dhex sitaan xafiisyadooda ayna u qaadan karaan Washington DC. Si kastaba, waxaa loo baahan yahay warqadda oggolaanshaha in hub lagu dhex qaato waddooyinka magaalada, sidoo kalena hubka laga keeno gobollada kale waa in laga diwaan geliyaa gobolka. Bishii la soo dhaafay, koox xildhibaannada Aqalka Sare ah oo Dimuqraaddiga ka tirsan ayaa soo jeediyay sharci cusub oo lagu xoojinayo shuruucda haatan ka degsan xubnaha Konagreeska." https://www.bbc.com/somali/war-55542093 +technology Nigeria: Burcadda jacaylka internet-ka ee shukaansiga ku khiyaanay 100 dumar ah "Sideed nin oo reer Nigeria ah oo lagu eedeeyey falal dambiyeed ay ka geysteen bog internet-ka ah oo la isku shukaansado ayaa la hor keeney maxkamad ku taal Koonfur Afrika ka dib hawlgal ballaadhan oo caalami ah oo ay ka qayb galeen FBI iyo Interpol. Mas'uuliyiinta Mareykanka oo ah halka uu baadhitaanku ka bilaabmay oo inta badan dhibanayaasha la sheegay inay deganyihiin ayaa codsaday in loo soo gacan geliyo raggaas. Waxaa lagu eedeeyay inay khiyaameeyeen in ka badan 100 qof oo ay ka qaateen lacag ku dhaw 7 milyan oo doolar tobankii sano ee la soo dhaafay. Kama ay hadlin eedeymaha loo soo jeediyay. Waa hawlgalkii ugu weynaa ee ka dhaca Koonfur Afrika sida ay sheegtay afhayeenka booliska Col Katlego Mogale. Eedeysanayaashan oo da'doodu u dhexeyso 33 ilaa 52 jir ayaa Salaasadii lagu xidhay Cape Town kaddib codsi kaalmo sharci ah oo Maraykanku u soo diray Koonfur Afrika. Waxaa la rumeysan yahay in FBI -da iyo sirdoonka Mareykanku ay hoggaaminayeen baadhitaanka, waxayna la shaqeeyeen mas'uuliyiinta Koonfur Afrika oo ay ku jiraan qeybta booliiska gaarka ah ee loo yaqaan Hawks. Raggaan ayaa laga doonayaa gobollada Texas iyo New Jersey oo looga haysto dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin shirqool dhac xisaab bankiyo iyo xatooyo badheedh ah. Dacwad ooge Robin Lewis oo diidanaa damaanad ay codsadeen eedaysanayaashu ayaa ku eedeeyey raggaas inay ka tirsan yihiin Black Axe oo ah koox maafiyo calami ah oo abaabulan ah oo ka soo jeedda Nigeria, kuwaas oo falalka ay ku kacaan ay ka mid yihiin in lacagaha la maydhaamo oo la mariyo xisaabo kala duwan. Dawladdu waxay ku doodday in nimankani baxsan karaan sababta oo ah waxay wali haystaan akoonno la sheegay in la adeegsaday. Eedeysanayaasha ayaa mudan doona 20 sano oo xabsi ah haddii lagu helo dambiga. Waxaa lagu eedeeyay inay ku beegsadaan dhibbanayaashooda boggaga shukaansiga iyagoo adeegsanaya aqoonsiyo been ah. Dhibbanayaasha ayaa badankoodu ah dumar laga dhintay oo keli nool ama carmal, waxayna moodayeen inay xidhiidh dhab ah oo jacayl ah la yeelanayaan raggan. Korneyl Mogale ayaa sheegay in markii eedaysanayaashu ""ay aad isku dhex galeen dhibbanayaashooda, waxaa la sheegay inay soo diyaariyeen sheeko xariiro qosol leh oo ku saabsan sababta ay lacag ugu baahan yihiin tusaale ahaan canshuuraha si loo sii daayo dhaxalka safarrada dibadda ee muhiimka ah, deynta curyaaminta, iwm ka dibna lacag ka siiya dhibbanayaasha"". ""Dhagarqabayaashu waxay cabsi geliyeen oo ay canbaareeyeen dhibbanayaashoodii waxay burburiyeen noloshooda ka dibna waa la waayay,"" ayay tidhi. Qof deris la ah laba ka mid ah eedaysaneyaasha oo magaciisa qariyay ayaa BBC-da u sheegay inuu aad ula yaabay markii uu maqlay in labada nin ee walaalaha ah lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin koox dambiilayaal ah oo Nigerian ah. ""Waxay ahaayeen dad saaxiibtinimo leh oo aad moodo in aanay waligoodna wax dambi ah gelin. Labada walaalaha ah midkood ayaa guursaday gabadh muwaadinad Koonfur Afrika ah,"" ayuu yidhi. ""Toddobaadkiiba hal mar qiyaastii 10 baabuur oo kuwa raaxada ah ayaa iman jiray gurigooda oo saacado yar gudahood ka bixi jiray. Waxay ahaayeen gawaadhi heer sare ah sida 2021 Mercedes Benz, Jeep iyo Ferrari. Qaabka ay u labistaan waxaad ku sheegi kartaa inay hodan yihiin"". Dariska ayaa ku baraarugay dhawaqa eyda oo ciyaya markii la weeraray guryihii walaalaha Salaasadii. Illaa 60 nin oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bilayska ayaa ku qaatay ilaa lix saacadood ururinta caddaymaha guryaha. Toddoba guri oo kale ayaa iyagana lagu weeraray isla xaafadda. Lewis ayaa sheegay in qaar ka mid ah raggaasi aysan si sharci ah ku joogin Koonfur Afrika tan iyo markii baasabooradoodu dhaceen. Waxa kale oo uu ku dooday in haddii ragan dammaanad lagu sii daayo, ay wax u dhimi karaan caddaynta digital-ka. Codsi dammaanad oo dhammaystiran ayaa la filayaa in ay mar kale soo gudbistaan Salaasada iyo Khamiista soo socoda inta ay socoto dhegaysiga doodda ku saabsan in ragaa la dhiibi karo iyo in kale. Wargayska TimeLive ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in ciidanka gaarka ah ee Hawks ay baadi goobayaan nin sagaalaad oo kiiskan xidhiidh la leh." https://www.bbc.com/somali/war-59001397 +religion Muslimiin tiro badan oo dalbanaya in ay is casisho ra'isulwasaaraha dalkooda arrinkii nabiga (NNKH) awgeed "Haweeneyda Ra'isul wasaaraha ka ah dalka Bangladesh Sheekh Xasiina ayaa cadaadis xooggan la kulmeyso kaddib markii ay ka aamustay aflagaaddadi ay toddobaadki hore siyaasiyiin Hindiya ka soo jeeda ay u geysteen Nabi Muxammed (NNKH). Sheekh Xasiina oo soo saartay bayaan ay kaga hadleysay doorashada dalka Bangladesh ka dhaceyso 2023-ka ayaan soo hadal qaadin aflagaaddada Nabiga (NNKH) loo geystay oo waddamo badan muslimiin ah ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen. Caasimadda dalkaasi ee Dhaka iyo magaalooyinka kale ee dalka Bangladesh waxaa ka dhacay mudaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo afhayeenkii hore ee xisbiga BJP Nupur Sharma kaasi oo xiriir la leh aflagaaddadi ay u geysatay Nabi Muxamed (NNKH). Dadka mudaharaadaya ayaa ku dhawaaqayey hal ku dhigyo ka dhan ah Nupur Sharma iyaga oo sitay sawir gacmeedyo isla-markaana dalbanayey in xabsiga loo taxaabo. Sheekh Xasiina, Ra'isul Wasaaraha Bangladesh waxaa soo food saaray cadaadis xooggan oo salka ku hayso kiiska ay muslimiintu u haytsaan siyaasiyihiinta reer Hindiya ee ku xadgudubay sharfata Nabiga (NNKH) iney ka aamustay. Xasiina ayaa dooneyso Ra'isul Wasaaranimo iney isu soo sharraxdo doorashada guud ee 2023-ka dalkaasi ka dhaceyso. Wargeyska Hindu oo soo xigatay xubno ka tirsan xisbiga ALP waxay sheegeen mudaharaadyada ka dhashay aflagaaaddada siyaasiyiin ka tirsan xisbiga BJP ay u geysteen Nabi Muxammed (NNKH) ay saameyn ku yeelaneyso booqahada ay Sheikh Xasini ay ku tageyso Hindiya. Waxaana sii kordhaya cadaadiska Sheekh Xasiina lagu saarayo iney mowqifka ay aflagadda loo geystay Rasuulka (NNKH) ay iska taageyso iney caddeysato. Khandkar Ghulam Moula Naqshbandi oo ka tirsan xisbiga ALP wuxuu sheegay xilligan oo baarlamaanka uu yeelanayo kulan uu uga hadlayo arrimaha miisaaniyadda iney habboon tahay Sheekh Xasiina haddii ay gudbiso farriin cad oo arrintan ku saabsan ay keeneyso shacabka iney qancaan kaddibna mudaharaadyada ay joojiyaan. Ghulam wuxuu intaa ku daray hadii uu xaalku sidan ku sii socda Ra'isal wasaarahana mowqifkeeda ay shacabka careysan u caddeyn waxay saameyn lixaad leh ay uu geysan kartaa doorashada 2023-ka oo ay dooneyso Shekha Xasin iney ka qayb gasho. Ra'isul wasaare Sheikh Xasiina oo dalka Hindiya booqasha ku tagtay 2019-ki waxaa loo arkay iney saaxibtinimo wanaagsan la yeelatay Delhi, xiiligaasi oo ay ku beegneyd marki ay Hindiya ay meesha ka saartay sharciga Kasmiir u oggolaanayey ismaamul hoosaad. Tallabbada ay Hindiya xilligaasi qaadday waxaa cambaareeyey Pakistan iyo Shiinaha. Hindiya ayaa wajahaysa cadaadis diblomaasiyadeed oo ka dhashay hadallo muran badan dhaliyay oo sarkaal sare oo xubin ka ah xisbiga maamulka dalkaasi haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ku aflagadeysay Nebi Muxamed (NNKH). Hindiya ayaa wajahaysa cadaadis diblomaasiyadeed oo ka dhashay hadallo muran badan dhaliyay oo sarkaal sare oo xubin ka ah xisbiga maamulka dalkaasi haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ku aflagadeysay Nebi Muxamed (NNKH). Nupur Sharma ayaa 10 maalmood ka hor gefkaasi ku kacday kaddib markii ay ka qaybgashay dood TV, arrintaasi oo ka careysiisay Muslimiinta Hindiya, iyo in ka badan 12 dowladood oo Muslim ah. Axaddii, xisbiga BJP ayaa shaqada ka joojiyay Sharma. Waxaa kaloo isna shaqada laga joojiyay madaxa qaybta warbaahinta Delhi ee xisbiga, Naveen Kumar Jindal, kaddib markii uu dadka la wadaagay sawirka aflagaadada ah. Xisbiga BJP ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu ka soo horjeedo fikir kasta oo aflagaadeynaya ama hoos u dhigaya koox ama diin, waxa uuna intaasi ku daray in aysan ""taageerin dadkaas ama falsafadda ay aamminsan yihin"". Diblomaasiyiinta Hindiya ayaa isku dayaya in ay ka dhaadhiciyaan waddamada Islaamka ee aad uga carooday gefka Nebiga (NNKH), waxay sheegeen in faallooyinka aysan ka tarjumayn mowqifka dowladda oo ay yihiin ""aragtida xagjirka"". Dalalka Kuwait, Qadar iyo Iran ayaa Axaddii u yeeray safiirrada Hindiya si ay u muujiyaan caradooda ka dhanka ah arrintan. Sacuudiga ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas. Qadar ayaa sheegtay in ay Hindiya ka rajeyneyso raalligelin dadweyne. ""In la oggolaado in hadallada Islaam nacaybka ah ay sii socdaan ciqaab-la'aan, waxay ka dhigan tahay halis weyn oo ku wajahan ilaalinta xuquuqul-insaanka, waxaana laga yaabaa inay horseeddo nacayb iyo takoor hor leh, taas oo abuuri doonta colaad iyo nacayb hor leh,"" ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar. Sacuudiga ayaa sidoo kale falkaan ka muujiya caro adag. ""Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa cambaareysay hadalladii ka soo yeeray afhayeenka xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee Hindiya, ee lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed, naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waxayna mar kale xaqiijinaysaa diidmada joogtada ah ee nacaybka ka dhanka ah diinta Islaamka,"" ayaa lagu yiri. Safiirka India u fadhiya Qadar, Deepak Mittal, ayaa sheegay in hadallada ka soo yeeraya qaar ka tirsan 'dadka nacaybka ku xeeldheer' aysan matalin aragtida dowladda Hindiya. Hoggaamiyeyaasha sare ee BJP iyo safiirrada kale ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalka muranka dhaliyay. Balse, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in laga yaabo in hoggaanka sare ee xisbiga iyo xukuumaddu ay ku qasban yihiin inay si cad uga hadlaan arrintan. ""Haddii aan sidaas la yeelin,"" ayay yiraahdeen, ""waxaa halis ah in ay dhaawacdo xiriirka Hindiya ay la leedahay dalalkan.""" https://www.bbc.com/somali/war-61768006 +politics Madaxweyne degdeg ku tilmaamay in loo hambalyeeyo Biden "Inkasta oo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha adduunku ay hambalyo u direen madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden, haddana mid ayaa muujiyey taxaddar badan. Madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador, oo loo yaqaan Amlo, ayaa sheegay inay goor hore tahay in la hambalyeeyo - isla markaana uu doonayo inuu sugo ""dhammaan arrimaha sharciga"" si loo xalliyo, isagoo tixraacaya dacwadaha ay soo gudbiyeen kooxda Trump, oo ku andacoonaya in khaladaad ka dhacay tirinta codadka. Trump ma uusan soo bandhigin cadeyn sheegashooyinkaas. ""Ma dooneyno inaan noqono kuwa aan qaangaadhin,"" Amlo ayaa u sheegay suxufiyiinta ""Ma dooneyno inaan si fudud u dhaqano oo waxaan dooneynaa inaan ixtiraamno aayo-ka-tashiga dadka iyo xuquuqdoodaa."" Hogaamiyeyaasha adduunka ayaa kuwo badan durba u hambalyeeyeen Mr Biden, iyaga oo u usoo mariyey warbaahinta bulshada. Ra'iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, wuxuu yiri: ""Waxaan rajeynayaan"" in aan la shaqeeyo Biden iyo ku xigeenkiisa ee la doortay Kamala Harris, maadaama uu muujiyay xiriirka dhow ee labada dal ka dhexeeya. Ra'iisal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa isna ka mid ahaa madaxda caalamka ee u hambalyeeyay Joe Biden iyo Kamala Harris. Wuxuu sheegay inuu rajeynaya inuu wadashaqeyn la yeesho maamulka cusub ee Biden. Johnson iyo xoghayihiisa arrimaha dibedda Dominic Raab ayaa cambaareyn la kulmay isbuucan ka dib markii ay iska diideen inay dhalleeceyaan sheegashada aan hubaasha lahayn ee Trump ee ahayd in doorashada lagu shubtay. Ra'iisul Wasaaraha Slovenian, Janez Janša, kaas oo maalin ka hor u hambalyeeyay Donald Trump oo sheeganayay in uu doorashada ku guuleystay iyo in lagaga shubtay,- ayaa weli aamusan, wax war ahna lagama hayo weli. Raiisel wasaaraha Japan, Yoshihidhe Suga, wuxuu sheegay inuu doonayo in uu xoojiyo isbahaysiga dalkiisu la leeyahay Maraykanka. Madaxweynaha Nigeria, Muhammudu Buhari, ayaa isna ku baaqay in si weyn ay ula macaamili doonto Afrika madaxweynaha la doortay." https://www.bbc.com/somali/war-54861422 +technology Shirkadda Facebook oo adkaysay shuruucdeeda "Shirkadda Facebook ayaa soo bandhigtay shuruuc cusub oo khusaysa xayaysiimaha siyaasadeed, arrintan ayaa timid ka hor doorashada madaxweynenimada Maraykanka, iyadoo laga cabsi qabo in shirkadda loo adeegsado si aan habboonayn. Dadka raba in ay xayaysiimo u sameeyaan siyaasadda ayaa hadda ka dib laga dalban doonaa in ay aqoonsigooda soo gudbiyaan, ka hor inta aan la siinin calaamad ""xaqiijinaysa in ururkaasi yahay mid sax ah"". Waxay qayb ka tahay isku dayo badan oo lagu doonayo in wax looga qabto dad horay u sameeyay xayaysiimo ay ku gudbinayaan macluumaad khalad ah ama marin habaabin ah iyaga oo oga gol leh in ay ku saameeyaan codbixiyeyaasha. Shuruucdan ayaa qaban doona Instagram oo ay leedahay shirkadda Facebook. Xayaysiimaha lacagta lagu siiyo Facebook ayaa caan ka dhex noqday ol'oleyaasha siyaasadda iyo ururrada kale si loo bartilmaameedsado codbixiyeyaasha. Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in Ol'olihii Trump ee 2016 xayaysiimaha lagu bixiyay 70 milyan oo doolar. Facebook ayaa dhaqan galinaya hanaan daah furnaan oo dal-dal ah, arrintaas oo billaabatay tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya in qolyo uu fadhigoodu yahay Ruushka ay Facebook soo galiyeen macluumaad ay ugu talo galeen in ay ku saameeyaan codayntii doorashadii madaxweynenimada Maraykanka ee 2016. Facebook ayaa tan iyo sannadkii 2018 xayaysiimaha siyaasadda Maraykanka ku laraysay ""lacag ayaa lagu bixiyay"" balse sharcigaasi ma xaddidayn si xun u adeegsashada. Shirkadda ayaa dhawaan sheegtay in ay mamnuucday Falun Gong oo lala xiriiriyay Epoch News ka dib markii warbixin ka soo baxday NBC lagu shegay in si been ah astaantooda loogu adeegsaday si dad badan loo gaarsiiyo xayaysiimaha Trump. Mar horana saxafi ka tirsan Vice News ayay u suuragashay in uu xayaysiimo galiyo isaga oo sheeganaya in uu ka socdo madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence. Sarah Schiff oo arrimahan u qaabilsan Facebook ayaa sheegtay in shuruucda cusub ay si dadban uga jawaabayso daldaloolada la arkay. ""Sanaddkii 2018 waxaan aragnay caddaymo muujinaya in si xun loo adeegsaday qirashada, sidaas daraadeed tani waa dadaal aan ku doonayno in aan ku xoojinno nidaamka,"" ayay tiri iyadoo la hadashay Newcastle Herald. Aaron Reike oo madax ka ah ururka Upturn ee ka shaqeeya caddaaladda dhigitaalka ayaa BBC-da u sheegay in uu ""la yaabay"" in ay shirkadda ku qaadatay wakhti intaas la eg hir galintan xeerarkan. Alex Stamos oo horay madax uga soo noqday qaybta ammaanka ee Facebook ayaa tilmaamay in ay shirkadda ku adkaan doonto in ay alaadaheeda oo dhan ka dhaqan galiso shuruucdeeda." https://www.bbc.com/somali/war-49506347 +business Wax ka ogow taariikhda aan la xusin ee bunka (qaxwo) In ka badan laba bilyan oo koob oo bun ama qaxwo ah ayaa maalin kasta laga cabaa dunida. Britain oo qura, ayaa dadkeedu waxa ay maalintii cabaan 90 milyan oo koob oo bun ah. 450 sano ah, bunka ayaa ahaa wax aan laga aqoon dalalka Galbeedka. Waxa uu asal ahaan ka soo bilowday dalka Itoobiya, dalkaas oo uu si weyn uga baxo geedka bunka. Dadkii xilligaa ku noolaa Itoobiya ayaa ogaaday in marka la qalajiyo miraha bunka laga sameyn karo cabitaan madaxa dejiya. Kadib waxa uu si weyn ugu faafay dalkaas. Reer Galbeedkii xilligaa booqan jiray Itoobiya ayaa ogaaday muhiimadda uu leeyahay cabitaanka bunka, waxaana ay geeyeen dalalkooda. Waxa ay fahmeen in cabidda bunka uu u wanaagsan yahay maskaxda, gaar ahaan marka ay dhinacyada ka xaajoonayaan arrimaha ganacsiga. Markii se uu bunku gaaray dalalka Galbeedka, waxa ay shacabkii halkaa ku noolaa u arkeen siyaabo kala duwan. Qaar ayaa ku tilmaamay “cabitaankii Pluto ee ay saaxiriinta ka shubi jireen madaxa dadka dhintay”. Maqaayadii ugu horreysay ee bunka Guud ahaan Britain, maqaayadii ugu horreysay ee lagu iibiyo bunka ayaa sanadkii 1651 lagu furay Oxford. Waxaa xigay mid kale oo laga furay caasimadda London. Qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan shaqaalaha bangiyada, ganacsatada, mutacalimiinta iyo dadka caadiga ah ayaa billaabay inay cabaan bunka. Boqorkii England ee Charles II ayaa mar isku dayay inuu mamnuuco cabitaanka bunka, isagoo sheegay inuu horseedo khiyaanada qaranka. Xilligaas waxaa bunka cabi jiray ragga oo qura, waxaana loo yaqaanay cabitaanka ragga. Dhanka kale waxaa soo baxay quraafaad badan oo ku saabsan cabitaanka bunka. Sanadkioi 1674, dadka qaar ayaa ku dooday inuu ragga ka dhigo “ma dhaleys” oo uu kulaykiisa uu yareeyo waxtarka shahwada ragga. Sanado kadib, waxaa soo baxday sheeko ah in bunka uu kordhiyo dareenka ragga, isla markaana uu xoojiyo ragganimadooda xilliga galmada. Casriyeynta bunka Waagii hore, bunka waxaa loo karin jiray sida shaaha oo kale. Balse markii uu Talyaaniga qarnigii 19-aad sameeyay makiinadda Espresso taasoo casriyeysay habka loo sameeyo bunka. Dhaqanka bunka ee Talyaaniga ayaa ku faafay dunida galbeedka. Waxaa se sii kordhay caadooyinka ku aaddan bunka, sida in aan nooca cappuccino la cabi karin qadada kadib. Noocyada bunka Labaatankii sano ee la soo dhaafay, waxaa caalamka ku soo kordhay noocyo cusub oo bunka loo sameeyo. Waxaa kamid ah nooca loo yaqaan American Coffee iyo bunka cad. Waxaa caadi noqotay in bunka oo kooban caag ah ku jira ay dadka la maraan wadooyinka xilliyada ay u socdaan shaqooyinkooda. 450 sano kadib, bunka ayaa ku faafay daafaha caalamka, waxaana u noqday mid muhiim u ah noolasha aadanaha. https://www.bbc.com/somali/articles/ce9v1dn11ero +sports Khabib Nurmagomedov oo noqday xiddiga ciyaaraha caalamka ee sanadkan ee BBC-da Feeryahanka caanka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa noqday xiddiga ciyaaraha caalamka ee sanadkan ee BBC-da. Khabib oo ah muwaadin u dhashay dalka Ruushka oo 32 sano jir ah ayaa baal dahab ah ka galay tartanka addimo-dirirka kaddib markii guushiisii 29-aad uu kaga badiyay Justin Gaethje bishii bishii Oktobar. Ninkan ku guuleystay horyaalka miisaanka fudud ee UFC ayaa tartankii addimo-dirirka ee ugu dambeeyay galay bilo uun kaddib markii uu dhintay aabihii Abdulmanap oo ahaa tababarihiisa iyo la taliyihiisa. Khabib oo dadka qaar ay u arkaan ninka ugu addimo-dirirka wanaasgan ee wakhtigan ayaa tartankaasii ka fariistay isla markii uu ka guuleystay Justin Gaethje, guushaasi oo noqoneyso tii 29-aad ee uu ka soo hooyo tartankaasi. 13 ka mid ah 29-ka jeer ee uu ku guuleystay tartankani addimo-dirirka (Mixed Martial Arts) ayaa guushiisu waxay ahayd mid toos ah oo aan ama wakhti loogu darin ama aan lagu celin ciyaarta. Wuxuu si wanaagsan u difaacay kaalinta uu kaga jiro tartanka miisaanka fudud muddo saddex jeer ah, waxaana loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu sarreysa taariikhda tartamada addimo-dirirka. Khabib Nurmagomedov ayaa tartanka codeynta xiddiga ciyaaraha caalamka ee sanadkan ee BBC-da waxaa uu kaga guuleystay cayaaryahanno ay ka mid yihiin vaulter Armand Duplantis oo reer Sweden ah, ciyaaryahanka kubadda koleyga ee Mareykanka u dhashay LeBron James, Dustin Johnson, ciyaaryahanka kubadda cagta ee Wendie Renard, iyo sidoo kale feeryahanka Katie Taylor. Tartankan xiddiga isboortiga caalamka ee BBC-da ee sanadkii hore waxaa ku guuleystay Eliud Kipchoge oo muddo afar jeer ah ku guuleystay tartanka orodda dheer ee marathon-ka. https://www.bbc.com/somali/war-55361212 +entertainment Salman Khan iyo Shahrukh Khan: Labadan jilaa oo isla sameyn doono filim cusub "Xiddigga Bollywood, Salman Khan, ayaa la xaqiijay inuu ka soo muuqan doono Filimka cusub Shahrukh Khan uu ku mashquulsan yahay ee Pathan, kaas oo laga yaabo in uu ku sameeyo ficillo halis ah oo horay uu ugu dhiirraday jilaaga Mareykanka ah ee lagu magacaabo Tom Cruise. Salman Khan ayaa horay u ballan qaaday inuu gabi ahaanba filimada uusan ka soo muuqan doonin inta uu fayraska corona socdo. Waxay u muuqataa in Khan uu qorsheyaal waweyn u dajiyay filimkiisa, si uu u xaqiijiyo in uu noqdo mid soo jiidasho leh kana duwan filimadiihii ugu dambeeyay ee fashilmay. Jilaagan magaca weyn ku leh filimada ayaa walaac weyn ka dhaxlay filimkiisii ugu dambeeyay ee ZERO, oo soo baxay 2018-kii, laakiin suuqa ku guul darreystay. Filimkan waxaa sidoo kale jilaya Deepika Padukone oo iyadana duubtay taxane muhiim ah sannadkii hore. ""Salman gebi ahaanba wuu diiddan yahay samaynta filimada xilligan uu jiro Covid-19. Balse waa nin ereygiisa jecel inuu ka dhabeeyo oo jacelna qoyskiisa. Salman ayaa Shahrukh Khan u arka qoyskiisa,"" waxaa sidaas yiri, soo saaraha barnaamij uu qayb ka ahaa Salman oo ay aad isugu dhow yihiin. Ilo wareedyo ku dhow shirkadda filimka sameyneysa ee Pinkvilla ayaa soo tabiyay in isu duwaha filimka, Siddharth Anand iyo Shahrukh Khan ay ka shaqeynayaan in ay qeybo filimka Pathan ka mid ah oo dagaal ah uu ku sameeyaan Dubai. Waxyaabaha ugu waaweyn ee la hadal hayo waa in Shahrukh Khan uu jilliin ku sameeyo gudaha dhismaha ugu dheer caalamka ee Burj Khalifa. Xogta ay warbaahinta Hindiya shaaciyeen ayaa xustay in muuqaallo aad u waaweyn lagu jili doono dhismaha caanka ah ee Dubai, sida ay qorsheynayaan Khan, Anand iyo sidoo kale Aditya Chopra oo arrintaas ku wada howlan. Horay waxaa loo xasuustaa in dhismahaas uu muuqaallo taariikhi ah ku sameeyay xiddigga Hollywood-ka Mareykanka ee lagu magacaabo Tom Cruise, oo lagu yaqaanno inuu sameeyo ficillada ugu halista badan ee aflaanta. Xalaqo ka mid ah filimka Mission Impossible ayuu Tom Cruise ku duubay dhacdo aad halis u ah, isagoo naftiisa halis ku galiyay ficil uu dhismaha Burj Khalifa ku sameeyay. Shahrukh Khan ayaa sidoo kale lagu soo warramay inuu ku fakarayo ficil uu ku sameeyo dusha sare ee dhismahaas, waxaana laga yaabaa inuu u bareero khatartaas weyn. ""Yeysan layaab idinku noqonin haddii aad aragtaan SRK oo ku dagaallamaya qeybta ugu sarreysa ee Burj Khalifa, isagoo xarig lagu xiray balse la qariyay,"" ayaa lagu yidhi xogta ay shaaciyeen ilaha ku dhow shirkadda filimka soo saareysa. Horay wuxuu sidoo kale jilaagan ugu dhiirraday ficillo halis badan, oo ay ka mid tahay in uu ka booday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo khatarteeda leh, mana aha wax lagu yaqanno in ay sameeyaan atooreyaasha caadiga ah. Pathan ayaa la filayaa inuu noqdo filim ay ku jiraan ficillo badan oo dagaal iyo is eryasho ah. ""Waxaa filimka qeyb ka ah gawaari, mootooyin, hub, qaraxyo, dagaal gacanta ah - u diyaar garooba waxyaabo badan oo ficillo ah inaad ku aragtaan Pathan,"" ayaa lagu yidhi xogta." https://www.bbc.com/somali/war-56237234 +politics Baaqa ah in la badalo shuruucda qubeyska Mareykanka ka dib cabashada timaha Trump "Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay isbedel lagu sameeyo macnaha qubeyska iyo madax-dhaqashada si loo kordhiyo biyaha tubada ka soo baxaya. Arrintaas waxay ka dhalatay cabashooyiin ka yimid Madaxweyne Trump oo la xiriira timihiisa sida ay maalinkasta yihiin. Sida uu dhigayo sharcigii 1992-dii, qofka qubeysanaya ee Mareykanka looma ogola in tubada biyaha ay ka soo baxaan wax ka badan cabirka illaa 2.5 gallon, daqiiqaddiiba. Haddii ay heerkaas gaaraan, way ka istaagayaan biyaha. Maamulka Trump wuxuu doonayaa in xaddigaas uu noqdo mid quseeya cabirka afka tuubada, halkii laga dhigi lahaa wadarta guud ee biyaha. Dadka u ololeeya in biyaha la yareeyo waxay ku doodayaa in arrintaas ay noqoneyso beerdareynta iyo iyo ku ciyaaridda biyaha iyo arrin aan loo baahnayn in ay tahay. Isbedelka cusub waxaa Arbacadii soo jeedisay Laanta Tamarta, ka dib cabasho ka soo gaartay Madaxweyne Trump, bishii la soo dhaafay. ""Haddaba qubeyska - waxaad damceysaa in aad qubeysato, biyahana ma soo baxayaan. Haddii aad rabto in aad gacmaha dhaqato, tuubada biyo ma lahan. Haddaba maxaad sameyneysaa? Waa in aad meesha iska taagnaato ama aad ku daahdo qubeyska? Sababtoo ah, timaheyga - kuwaaga ma ogi - waa in ay si fiican u dhaqmaan. Si wanaagsan,"" ayuu yiri. Andrew deLaski, oo ah Agaasimaha kooxda ilaalinta tamarta ee Mashruuca Appliance Standards Awareness, wuxuu sheegay in soojeedinta isbedelka ay tahay ""mid nacasnimo ah"". Haddii cabirka afka tuubada la weyneeyo afar illaa shan, ""waxaa soo bixi karta 10 illaa 15 gallon daqiiqaddiiba, waxaa suuragal ahba in biyahaa badan ay ku qaadaan adiga oo suuliga ay kaa saaraan,"" ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press. ""Haddii madaxweynaha uu u baahan yahay in laga caawiyo in uu si fiican u qubeysto, waxaan u tilmaami karnaa bogag internet-ka ah oo garab ka siinaya in uu ogaado qubeyska iyo shaambada iyo sida wanaagsan ee madaxa loo dhaqdo,"" ayuu hadalka ku sii daray. David Friedman, oo ah madaxweyne ku xigeenka Hay'adda Warbixinta Macaamiisha, wuxuu sheegay in qaabka qubeyska Mareykanka ayba ""gaartay guusha ah qancinta macaamiisha"", iyadoo dadka loo ilaalinayo isticmaalka lacagta. Soojeedinta cusub ee uu dalbaday Madaxweyne Trump waxaa lala tiigsan doonaa maxkamad, waa haddii ay sii socoto, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters." https://www.bbc.com/somali/war-53763659 +entertainment Atariishadii boqoradda quruxda ahayd miyaa qalin shubato noqotay? "Mid ka mid ah boqoradaha quruxda ee aad looga jecelyahay dalka Hindiya ayaa dhawaanahan waxaa aad looga hadal hayay baraha bulshada. Sushmita Sen waa qofkii ugu horeeyay ee Hindi ah oo ku guulaysta bilada Miss Universe sanadii 1994-tii, waxa ayna noqotay atariisho guulo ka gaartay Bollywoodka. Quruxleeyda 46-jirkan ayaa jishay ku dhawaad ​​30 filin, waxaana dhawaan la arkay iyadoo hormuud ka ah filim taxane ah oo caan ah oo lagu magacaabo Aarya. Inta badan waxaa lagu tilmaamaa inay caqli badatahay, Sen waxa ay ku guulaystey abaalmarino badan oo dhanka aflaanta ah waxaana loo arkaa inay tahay ""haweeney si weyn loo qaddariyo"". Laakiin dhammaan guulaheeda waxay u muuqdeen kuwo la ilaaway tan iyo habeenimadii Khamiista, markii Lalit Modi - oo ah 58 jir ganacsade ah isla markaana ah aasaasaha Horyaalka Hindiya (IPL), ee tartanka Cricket-ka ee ugu caansan adduunka  uu baraha bulshada ku shaaciyay inuu xiriir la lahaa Sushmita Sen. Modi Magaciisa waxa uu qabsaday bogaga hore ee warbaahinta kadib markii gudiga xakamaynta Cricket-ka ee Hindiya ay ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa fadeexado maaliyadeed, taas oo Modi uu beeniyay. Modi wuxuu ku qaatay London tobankii sano ee ugu dambeeyay noloshiisa. Modi ayaa soo bandhigay albam sawiro jaceyl ah oo laga soo qaaday Sushmita Sen xili ay ku guda jireen fasaxyo ay ku wada qaateen Maldives iyo jasiirada Sardinia ee dalka Talyaaniga. Modi Sen wuxuu markii hore ku tilmaamay inay tahay ""qeybtiisa quruxda badan"", ka dibna wuxuu faafiyay xanta ku saabsan guurkiisa ka hor inta uusan wax ka bedelin qoraalka ""Lamaanahayga Pretty"". Xaaska Modi ayaa geeriyootay sannadkii 2018-kii ka dib markii uu haleelay xanuunka kansarka. Markii abeenimadii Khamiista ee uu Modi ku dhawaaqay in uu xiriir la leeyahay Sen, baraha bulshada ayuu aad ugu baahay waxaana ka dhashay hadal hayn badan. Wax yar ka dib, shabakadaha wararka ayaa ku soo biiray, fariimaha hambalyadana waa ay bilowdeen iyagoo ciranka isku sii shareerayay. Magaca Sen ayaa waxaa uu qabsday baraha bulshada waxaana lagu tilmaamay inay tahay qalin shubato ku raaxeysanaya lacagta Modi. Ma ahayn gebi ahaanba wax lama filaan ah, sababta xiisadda xiriirkooda kicisayna waxay ahayd caannimada Sen. Sen waxay ka dhigi jirtay doorashooyinkeeda nolosheeda ""aan caadiga ahayn"" mawduuc laga doodo baraha wararka. Wax yar ka dib markii loo caleema saaray Miss Universe, Sen waxay go'aansatay inay korsato gabadh oo ay nafteeda ku tilmaamto ""hooyo keligiid ah."" Dhowr sano ka dib, Sen hadana bilowday inay korsato gabadh kale. Waxay si joogto ah u soo bandhigaysay sawiradeeda iyada iyo labada gabdhood. Sen waligeed iskuma dayin in ay qariso xiriirkeeda sanadihii lasoo dhaafay, waxaana ay shukaansaneysay asxaabteeda Aktarada ah, waxaana ugu dambeeyay Rohman Chal, oo Sen ay kala tageen sanadkii hore. Modi ma uusan fileyn in xiriirka uu la leeyahay Sen uu sababo hadal hayn noocaan ah oo qabsatay baraha bulshada ee Hindiya oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, Sushmita Sen ayaa sidoo kale taageero weyn ka heshay baraha bulshada. Dad badan ayaa difaacay iyagoo xusay inay hore u shukaansan jirtay rag aan lacag badan haysan, haddana ma jirto cid ku tilmaantay nimankaas qalin shubato." https://www.bbc.com/somali/articles/c51vlpey2j9o +business """Guusha aan taajirka ku noqday waxay ka billaabatay fiisa la isiiyay""" "Waa markale iyo taxanihii qormooyinka BBC-da ee The Boss ee aan kaga hadlaynay dadka guulaha ka gaaray xagga ganacsiga, waxaanan todobaadkan kusoo qaadanaynaa ninka lagu magacaabo Vik Verma oo ka mid ah dadka tagay Maraykanka. Waa arrin ay adagtahay maanta in Maraykanka lagu arko qof sida Vik oo kale oo guulahan gaaray, gaar ahaan xilli shuruucda muhaajiriinta ay sii adkaanayaan. Sannadkii 1984-tii oo uu Vik 18 jir ahaa ayuu damcay in uu jaamacad u aado dalka Maraykanka, isaga oo xiligaas ku sugnaa dalkiisii Hindiya. Wuxuu fiiso ka doontay qunsuliyadda Maraykanka ee magaala Kolkota, balse nasiib darro waa loo diiday fiisihii. Hase yeeshee, Vik waxa uu sheegay in uusan ku qancin go'aankaas, saacado kaddibna uu dib ugu laabtay isla qunsuliyaddii, wuxuuna sargaalkii qunsuliyadda u sheegay in uu 'gaaray go'aan qaldan, islamarkaasna aanan ahayn mid caddaalad ah', Intaas markii aan iri kaddib, sargaalkii wuxuu yiri waxaan ka heley dhiiranaantaada, waanan ku siiyay fiisaha"". Wixii markaas ka dambeeyay, Vik wuxuu bilaabay safarkii guusha. Hadda wuxuu madax ka yahay shirkad xagga tiknolojiyadda ah oo lagu magacaabo 8x8 oo sannad kasta sameysa malaayiin doolar. Fadhigeedu waa magaalada Dooxada Silicon Valley ee inta badan shirkadaha tiknoolajiyadda fariisinka u ah, waxay shirkadiisa bixisaa adeeg ah qalabka la'iska arko ee lagu galo shirarka iyo waliba adeegyo kale oo ah xagga codadka. Shirkadda 8x8 waxa lacagaha ay sannadkii kala rogto lagu qiyaasay $297 milyan oo doolar, waxayna ka mid tahay kuwa ku diiwaansan Suuqa Saamiyadda New York. Markii uu Vik ka qalin jabiyay jaamacadda sannadkii 1987-dii, isaga oo qaatay shahaado xagga korontada ah, wuxuu u sii gudbay jaamacadda Michigan, kaddibna wuxuu u bedashay jaamacadda Stanford ee California. Markii uu qalinjabiyay wuxuu bilaabay shirkad lagu magacaabo Savi Technology, taas oo shaqadeedu aheyd in lagula socdo xamuulka iyo alaabaha ay leedahay wasaaradda difaaca Maraykanka ee daafaha adduunka ku kala sugan, waxaana adeeggan markii dambe isticmaalay dalka UK iyo dalalka xubnaha ka ah NATO. Muddo 10 sanno ayuu mulkiile ka ahaa shirkaddaas, illaa ugu dambeyntii ay ka iibsatay wasaaradda, sannadkii 2006-dii. Waxa laga siiyay lacag u dhow nus bilyan oo doolar. Inkasta oo uu awoodday in uu hawlgab iska noqdo, haddana VIK wuxuu doortay in uu kasii shaqeeyo shirkadda Lockheed oo ay wasaaradda gaashaandhigga leedahay muddo 7 sanno ah, ka hor intii uusan ka tagin, sannadkii 2013-kii, xilligaas oo uu asaasay shirkadiisa 8x8. Markii la weeydiiyay xikmadda ka dambeysa magaca ayuu sheegay in uu tiro ka bilowdo, taasna micnaheedu yahay in markasta uu ugu sareeyo magacyada marka lagu taxo looxa suuqa saamiyadda maadaamaa loo qoro sida ay u kala horeeyaa xarfaha iyo tirooyinka. Shirkadan waxa ay la wareegtay shirkado yaryar oo ay ganacsiga ku wada jireen, waxaana hadda ka shaqeeya illaa 400 oo qof. Vik wuxuu hadda doonayaa in shaqaalaha shirkadda ay ku kordhaan illaa 300 qof oo kale sannad kasta, Qof kasta oo shaqaalaha ka mid ah wuxuu shirkadda ku leeyahay saami, xitaa kuwa ugu hooseeya, wuxuuna Vik qabaa in qof kasta uu dareemo lahaanshiyo. Dhammaan shaqaalaha cusub waxaa caado u ah in ay hadal ka hor jeediyaan guddiga maamulka, wuxuuna Vik qabaa in taas ay direyso labo fariimood oo ah in qofkaas aragtidiisa ay muhiim tahay, islamarkaasna uu yimid meel looga in uu muhiim ka yahay." https://www.bbc.com/somali/war-49174678 +politics Muxuu yahay hubka uu Shiinaha heysto ee uu Mareykanku ka baqayo? "Xoghayaha Gaashaanshigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa shalay sheegay in tallaabada uu Shiinuhu ku hormarinayo hubka hypersonic uu walaac ka abuurayo gobolka. Wuxuu sheegay in Mareykanku uu isku diyaarinayo inuu wajaho khatarta uga imaanaysa Shiinaha. Austin ayaa tegay magaalada Seoul si uu uga qeyb qaato wada hadallada ammaanka ee lala galay Kuuriyada Koofureed. Xilligaas, labada dal ayaa ka wada hadlay cabsida laga qabo dalalka deriska ah sida Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi. Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa isku dayaya inay horumariyaan hub awood leh oo dheeraad ah. Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabineysay hubkeeda. Isla markaas, Ciidamada Shiinaha ayaa labo jeer riday gantaallo kuwaas la mid ah, kuwaas oo la ogaaday inay beegsanayaan bartilmaameedka loogu talogalay. Waxaa la rumeysan yahay in Mareykanku uu ka walaacsan yahay tijaabadaas. Bishii July, Shiinaha ayaa sameeyay tijaabo ay khubarradu ku sheegeen inuu yahay hubka nooca hypersonic. Inkastoo Shiinaha uu sheegay inay ahayd tijaabada hub hore oo duug ah. Isagoo ka hadlayay tijaabadii hubka Shiinaha ee July, ayaa Lloyd Austin wuxuu sheegay inay ka walaacsan yihiin awoodda militari ee Shiinaha isagoo sababta ku sheegay inay taasi walaac ka abuureyso dalalka deriska ah. Wuxuu soo hadal qaaday dadaallada uu Shiinuhu ku horumarinayo hubka cusub si uu u xoojiyo awooddiisa militari. ""Waan sii wadi doonnaa xoojinta awooddeenna si aan nafteenna iyo tan xulafadeennaba u difaacno waan isku diyaarin doonnaa inaan wajahno khatarta Shiinaha,"" ayuu yiri. Bishii la soo dhaafay, Madaxa Ciidamada Mareykanka Jeneraal Mark Milley ayaa sheegay in Mareykanku uu horumarinayo hubka hypersonic. Khubarrada ayaa aaminsan in Mareykanku uu ka walaacsan yahay in Shiinaha iyo Ruushka aysan ka baaqsan doonin horumarinta hubka. Bishii September ee sanadkan, Mareykanka ayaa sheegay inuu ku guuleystay tijaabada hubka Hypersonic. Hubka Hypersonic ayaa ilaa shan goor ka dheereeya dhawaqa wuxuuna ka hortagi karaa hubka hawada ku jira. Si kastaba, khubarrada qaar ayaa sheegay in gantaallada hypersonic ay sababi karaan labo xaaladood sida inuu walaac abuuro amaba xabbad-joojin. Isagoo ka hadlayay Kuuriyada Waqooyi, ayaa Lloyd Austin wuxuu sheegay in arrinta dalkaasi uu kala hadlay Wasiirka Gaashaandhigga Kuuriyada Koofureed Soo Wook, iyo sidoo kale iskaashiga ganacsi. Wuxuu sheegay in dadaallada Kuuriyada Waqooyi ay walaac ammaan ka abuurayaan gobolka. Wuxuu intaas raaciyay in Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed ay diyaar u yihiin in wada xaajood laga galo arrinta Kuuriyada Waqooyi. Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Kuuriyada Koofureed Soo Wook ayaa sheegay in si loogu guuleysto nabad waarta oo ka dhalata gacanka Kuuriya, ay muhiim u tahay xulafadiisa inay fahmaan dadaalka Kuuriyada Koofureed. Inkastoo xaalad dhaqaale oo ba'an ay ka jirto saameynna uu ku yeeshay xanuunka coronavirus, haddana Kuuriyada Waqooyi ayaa diidday dalabka Mareykanka ee ah inay wada hadallo yeeshaan. Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in Mareykanka looga baahan yahay in marka hore uu wax ka beddelo aragtidiisa ku aaddan Kuuriyada Waqooyi uuna ka qaado cunaqabateynta. Maamulka Joe Biden, ayaa dhanka kale, sheegay in cunaqabateynadaas caalamiga ah aan la qaadi doonin ilaa Kuuriyada Waqooyi ay joojiso horumarinta hubka nukliyeerka. Horraantii toddobaadkan, Pentagon-ka ayaa sheegay in Mareykanka ay tahay inuu xoojiyo iskaashiga dalalka uu xulafada la yahay si looga hortago khatarta militariga Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi." https://www.bbc.com/somali/war-59532799 +business Dhismaha Shirkad sameysa tallaalka covid-19 oo dab qabsaday "Shan qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay xaruunta ugu weyn ee soo saarta tallaalka ee galbeedka dalka Hindiya.Dabka ayaa ka kacay guri dhisme ku socday isla markaana ah xaruunta machadka Serum oo ku taalla magaalada Pune. Muuqaallo laga soo duubay ayaa muujinayay qiiq fara badan oo ka baxayay dhismaha ku yaalla xaruunta shirkadda soo saarta tallaalka. Shirkadda ayaa sheegtay in wax soo saarka tallaalka uusan saameyn doonin dabkaan. Lamana oga waxa sababay dabka ilaa iyo hadda. Dabka ayaa markii dambe la xakameeyay, laakiin duqa magaalada ayaa xaqiijiyay in shan qof ay dhinteen. Maamulaha Machadka Serum, Adar Poonawalla, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri sidaan ""Waxaan hadda helnay xog cusub oo naxdin leh; baaritaanka dheeriga ah waxaan ku ogaanay in khasaaro nafeed uu ka dhashay dhacdadaan"". ""Aad ayaan uga murugoonay waxaana tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen""ayuu hadalkiisa raaciyay. Mr Poonawalla wuxuu sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin soo saarista tallaalka Oxford-AstraZeneca, ee gudaha dalkaas looga yaqaan Covishield. Covishield waa mid ka mid ah laba tallaal oo ay oggalaatay dowladda Hindiya si loogu isticmaalo barnaamijkeeda la dagaalanka covid-19 oo bilowday usbuucii la soo dhaafay. Waddanku wuxuu hiigsanayaa inuu tallaalo 300 milyan oo qof intaan la gaarin bisha Ogoosto ee soo aadan. Dalal kale oo badan oo dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa dabaqadda dhexe ayaa sidoo kale kuxiran machadka Serum ee soo saara tallaalka Oxford-AstraZeneca. Dalka Hindiya ayaa diiwaan geliyay tirada labaad ee ugu badan dunida ee cudurka 'Covid-19' marka laga soo tago Mareykanka. Tan iyo markii uu faafay cudurku waxaa la xaqiijiyay in ka badan 10.6 milyan oo kiis iyo ku dhowaad 153,000 oo dhimasho ah, sida laga soo xigtay tirokoobyada Jaamacadda Johns Hopkins." https://www.bbc.com/somali/war-55760221 +technology 'Sawirkii qasbay in la iga eryo shaqadii fiicnayd ee aan haystay' "3-dii bishii Juun, Emmanuel Cafferty ayaa dib ugu noqday gurigiisa isaga oo gaadhigiisa wata ka dib maalin kale oo uu soo kormeeray shirkadda gaaska iyo korantada ee dhulka hoostiisa oo ku taallay magaalada San Diego, carriga Maraykanka. Markii uu ag marayey shirkad gadda taayirrada gaadiidka, ayaa 47-jirkan reer Mareykan furtay daaqadda gaadhigiisa , xilligaas oo ay ahayd galab diirran, gacantiisii bidixna waa ay fidsanayd, isaga oo laydha u dhigayey. Intii lagu jiray safarkaas kooban isla dhawr saac gudahood, dhacdooyin isku xigxiga ayaa Caffert, ka dhigay shaqo la'aan, wuxuuna wejahayaa eedeymo cunsurinimo oo dhanka warbaahinta bulshada ah. Waxaana waxaas oo dhami ka dhasheen tilmaan uu gacantiisa ka bixiyey. Cafferty wuxuu u sheegay BBC-da in markii uu wadey gaadhiga uu isaga oo aan is ogayn gacantiisa isku qabtay fartiisa iyo suulkiisa, kolkaas oo ay goobo sameeyeen. ""Xilligaas ayuu qof uusan aqoon, oo wata taleefanka gacanta isla markaana leh bog dhanka Twitter-ka uu rogaalay noloshaydii"" ayuu u sheegay. Marka loo eego qofkan, tilmaan gacmeedkii uu bixinayey Cafferty waxa uu ka dhigay astaanta ay caan ku yihiin caddaanka cunsuriga ah. "" Ninkani wuxuu billaabay inuu iska cadhaysiiyo, oo igula hado ereyo canaan ah. Isaga oo ku qayliyey: ""Ma waxaad doonaysaa inaad sidan ku adkaysato?"" Cafferty ayaa xasuusta arrinkaas, ""Kaddib waxa uu la soo baxay taleefankiisii gacanta si uu sawir u qaado, ma aan fahmin waxan uu wadaba"". ayuu ku daray. Laba saac ka bacdi dhacdadaas, Cafferty maamulihiisii ayaa soo wacay si uu ugu sheego in baraha bulshada laga soo weriyey inaad ku kacday ficil cunsuriyad ah, isla markaana shaqada lagaa joojiyey mushaharna aanad lahayn. Saacad kaddib, shaqaalihii shirkaddiisa ayaa booqday gurigiisa si ay uga qaadaan gaadhigii shirkadda iyo computer-ka. Shan cisho kabacdina, waaba la eryay. ""Tabtaas ayay ahayd, sida aan ku waayey shaqadii ugu fiicnayd ee aan weligay helay"" Wiilkan ay dhashay hooyada Mexican-ka ahi, waxa uu ku noolaa noloshiisii riyada u ahayd ee Maraykanka. Waxa uu helayey saacaddii $41, taas oo labanlaab ka badan mushaharka shaqadiisii hore, waxa uu haystay caymis caafimaad, iyo lacag u dhiganta oo uu qaadan lahaa marka uu hawlgabo, taas oo ahayd markii ugu horraysay ee noloshiisa abid. Markaas oo uu lixbilood ka hor ka helay shaqadan San Diego Gas and Electric Company, xilligaas waxa uu inantiisa iyo carruurta uu awooga u yahay u qaaday casho si ula dabbaaldegaan. Cafferty wuxuu sheegay inuusan wax fikrad ah ka haynin ficlkan uu tilmaan ahaanta u muujiyey, oo sida caadiga ah xidhiidh la leh kelmadda ""OK"" marka la joogo Mareykanka se waxay leedahay tilmaan cunsuriyadeed. Sida laga soo xigtay kooxda ka hortagga sumcad dilka ee Anti-Defamation League, oo ah hay'ad aan dawli ahayn oo Mareykan ka hawlgelaysay in kabadan 100 sano iyaga oo olole ka qaadday hadallada nacaybka ah ee wadanka laga dhex yidhaahdo ama ka dhaca, sumadda ""OK"" waxaa iyana lala xidhiidhiyey olole faquuq oo dhacay 2017 - dadka isticmaala baraha bulshada ee midigta-fog ayaa kor u qaaday fikirkaas. Waxaana aad loo buunbuuniyey in tilmaantani u taagan tahay w iyo p oo ah erey loo soo gaabiyey""awoodda cad"". ""Ilaa iyo 2017, dad badan ayaa si been ah loogu eedeeyey inay yihiin kuwa cunsuriyiin ah, iyaga oo tilmaamaha ay bixinayaan u ahaayeen kuwa dhaqan oo jiri jirey ama si aan filayn uga dhacay"" Tani waa waxa dhab ahaan ku dhacay Cafferty. ""Arinkeyga, xitaa ma aysan aheyn astaan, waxaan kaliya istaabsiiyey farahayga. Laakiin nin cadaan ah ayaa u tarjumay inay tahay tilmaam cunsurinimo oo la mid ah tan uu u sheegay madaxdeyda, kaas oo isna sidoo kale cadaan ah,"" ayuu yidhi. ""Waxay go'aansadeen inay rumaystaan, halkii ay aniga ahayd, in kasta oo aanan caddaanba xataa ahayn,"" ayuu raaciyay, isagoo gacmaha xoqaaya si uu u muujiyo midabka maqaarkiisa. Nin shaqo laga eryay oo laayay madaxdii shaqada ka raacdeysay Jaceylka goobta shaqada: Nin ""Shaqada looga ceyriyay jaceyl dartii"" Wareysi ay la yeesheen telefishanka NBC maalmo kadib markii uu soo baxay warkii Cafferty ee dhibaatadii dhacday, ninka sawirka qaaday oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayaa qirtay in tarjumaadiisa dhacdadaas ""laga yaabo inuu buunbuuniyay"". In kasta oo uu ogaysiiyey shirkada San Diego Gas ee Korontada kolkii uu faallada soo qoray, ninka - oo aan magaciisa la shaacin - wuxuu sheegay inuusan waligiis dooneynin in Cafferty shaqada laga eryo. Wuxuu tirtirey faalladii iyo akoonkiisa Twitter-ka sidoo kale. Laakiin goor dambe ayey ahayd, maaddaama faalladii iyo sawirkiiba suuqa galeen. Cafferty maamulihiisii waa uu diidey inuu xaaladda dib u qiimeeyo. Isagoo iska indhatiraya waxa ka dhashay, Cafferty wuxuu isku dayayaa inuu noloshiisa dib u hanto oo ugasoo kabto. Wuxuu dacweeyey labadaba, shirkaddiii San Diego Gas and Electric ee uu ka shaqeeynayey iyo ninka sawirka ka qaaday, laakiin ma jiro wax rejo ah oo laga qabo in xukun hore kasoo baxo waxayna qaadan doontaa ugu yaraan hal sano. Cafferty, ayaa yidhi: ""Xitaa ma aanan lahayn Twitter ka hor inta aan la igasoo gelin"", ayuu yidhi Cafferty, oo furtay hadda akoon sidii shilku u haleelayba." https://www.bbc.com/somali/war-53606959 +sports Xulka Qaranka Soomaaliya: Maxaa la gudboon markey dalka dib ugu noqdaan? "Xulka qaranka kubada cagta ee Soomaaliya ayaa shalay soo gaaray heer wanaagsan, ka dib ciyaartii ay la yesheen xulka Zimbabwe, inkastoo lugtii labaad ee ciyaarta laga badiyay. Ciyaartaas oo ahayd mid taariikhi ah, maadaama Soomaaliya ay u ahayd markii ugu horesay ee ay badiso ciyaar ka mid ah isrebreebka koobka adduunka ayaa haddana waxay taas muujisay sida dalka uu ugu baryay waa cusub oo dhanka ciyaaraha. Xulka Soomaaliya ayaa Jabuuti kaga badiyay dalka Zimbabwe. Arrinta xiisaha badan waxay ahayd in 10 ka mid ah 11-ka laacib ee ciyaarta lagu billaabay ay ka yimaadeen qurbaha. Ciyaartoyda oo qurba joog ah, waxaa laga kala keenay waddamo kala duwan, waxayna ka tirsanyihiin kooxo kubadda heer sare ka gaaray, sida uu sheegay Siciid Cabdi Haybe oo qeyb ka qaatay isu keenidda laacibiintan. Dhallinyaradan waa markii ugu horeysay ee ay isla ciyaaraan kubad, waxayna u muuqdeen kuwo u baahan in ay waqti badan isla qaataan, isna fahmaan sida ay kubadda isugu dhiibayaan. ""Waxa ugu weyn waxay ahayd in dhalinayarada la isu keenay iyo in markii ugu horeesay oo ay bannaanka ku wada ciyaareen. Kooxaha marka la isu keeno way adag tahay in ay isla qabsadaan, si ay isu bartaanna way adagtahay"", sidaas waxaa BBC-da u sheegay Maxamed Axmed Deysane oo fallanqeeya ciyaaraha, horeyna uga mid ahaa laacibiintii xulkii qaranka Soomaaliya ee ka hor burburkii dowladdii dhexe. Deysane ayaa intaas raaciyay in ciyaartoyda Soomaaliya ay muujiyeen dadaal weyn, xiriirka kubada cagta iyo dadka isu soo uruuriyay na ay shaqo wanaagsan qabteen, loona baahan yahay in meeshaas laga sii wado oo tababaro loo sameeyo, ayna tijaabooyiin kale la sameeyaan dalal kale. ""Dhallinyaradan xirfaddoodu waa heer sare; kooxo heerar kala duwan ka ciyaara ayayna ka tirsan yihiin, marka dhammaan dhallinyarad waxay diyaar u ahaayeen in ay calankooda iyo dalkooda matalaan"", Ayuu yiri Siciid Cabdi Haybe. Siciid wuxuu aaminsan yahay in Algeria, oo ku guuleysatay koobka Qaramada ee Qaaradda Afrika, ay ka faa'iiday dhallinyaradii dibadaha ka ciyaaraysay. ""Xulkii Algeria ee 23ka ka koobnaa hal mid oo kali ah ayaa ka dheelayay gudaha dalkooda."" Ayuu yiri. Adkeysiga ciyaartoyda Jimicsiga iyo tababarka loo sameeyo ciyaartoyda ayaa qeyb muhiim ah ka qaata jir-dhiska iyo qaab ciyaareedkooda, taas oo gacan ka geysata awoodda ciyaartoyga, waxaana inta badan kooxaha kubada cagta ay sameyaan tababar iyo jirdhis joogta ah, si ay awood ugu yeeshaan orordka iyo in aan si fudud lagu ridin. Sucaad Samaara oo ah gabar ka faalloota ciyaaraha ayaa BBC Somali u sheegtay: ""Xilligan waxaa loo baahan yahay ciyaaryahanno khibrad u leh kubada cagta kuwaas oo ay ka go'antahay guul, tababar fiican iyo daryeelna waa in ay helaan"". Sucaad ayaa intaa raacisay in kooxdan hadda dhisan loo baahan yahay in la dhiira-galiyo oo la xareeyo, tababar ficanna la siiyo, si ay u noqdaan ciyaartooy wanaagsan oo marwalba u dheela xulka Qaranka. Maal-gelinta xulka Qaranka ""Xulka Qaranka Soomaaliya wuxuu u baahanyahay maalgalin xooggan waliba doorka dowladda iyo gacsatada ka maqan, waxbadan ayaa hagagaya haddii ay helaan maalgalintaas"", ayay tiri Sucaad Samara. Daysane dhankiisa wuxuu qabaa fikrad taa la mid ah wuxuuna yiri: ""Kubada cagta adduunka waxay isu badashay lacag in la geliyo, anaguna waxaan u baahanahay in xiriirka kubadda cagta, dowladda, ganacsatada, dadweynaha ay lacag geliyaan ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya, juhdi weynna la geliyo, si ay horey ugu sii socdaan.""" https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-49665349 +politics Mugabe shakhsi noocee ah ayuu ahaa "Markii uu noqday ra'isal wasaarahii u horeeyey ee Zimbabwe xor ah iyo markii dambe oo uu madaxweyne noqday ba, Robert Mugabe wuxu ballan qaaday dimuqraadiyad iyo dib u heshiisiin. Laakiin rajadii la dhalatay xorriyadii 1980 waxa dumiyey colaad, musuq iyo masiibo dhaqaale. Madaxweyne Mugabe wuxu noqday nin si aan gabasho lahayn u dhaliila reer Galbeedka, weliba gaar ahaan Ingiriiska oo ah quwaddii gumaysi ee dalkiisa haysan jirtay waxaanu ku eedayn jiray ""dal cadow ah"". In kasta oo uu si arxan darro ah ula dhaqmi jiray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah iyo waliba maarayn xumadiisii dhaqaalaha dalkaas oo mar ahaan jiray mid barwaaqo ah, ayaa hadana waxa uu had iyo goor taageero ka heli jiray hogaamiyeyaasha kale ee Afrika oo u arkayey inuu ahaa geesi la dagaalamay xukunkii gumaysiga. Robert Gabriel Mugabe wuxu ku dhashay dalkii la odhan jiray Rhodesia 21 Feeberweri 1924, aabihii wuxu ahaa nijaar ka dhashay qoomiyada dalka ugu badan ee Shona. Wuxu wax ku bartay dugsiyadii kaniisadda Kaatoliga waxaanu noqday macalin. Sawirrada noloshii Mugabe Maxaa lagu xasuusan doonaa Robert Mugabe? Wuxu deeq waxbarasho ka helay jaamacadda Fort Hare ee Koonfur Afrika oo wuxu ka qaatay shahaadadiisii ugu horraysay ee jaamacadeed oo ka mid ah todobada shahaado ee uu haystay, ka dib wuxu macalin ka noqday dalka Ghana halkaas oo uu aad ugu riyaaqay fikradihii hogaamiyihii Ghana ee dooni jiray midnimada Afrika Kwame Nkrumah. Waxaanu halkaa ku guursaday afadiisii koobaad Sally oo reer Ghana ahayd. Sannadkii 1960 Mugabe wuxu ku noqday Rhodesia. Markii hore wuxu ka shaqeeyey xisbigii waddaniyada Afrikaanka u doodi jiray ee uu hogaaminayey Joshua Nkomo, ka dibna wuu ka baxay oo wuxu ka mid noqday xubnihii aasaasay ururkii Zimbabwe African National Union (Zanu). Sannadkii 1964 mar uu khudbad jeediyey uu ku sheegay ra'isal wasaarihii Rhodesia, Ian Smith, iyo xukuumadiisii ""cowboys"", ayaa Mugabe la xidhay muddo toban sano ah isaga oo aan maxkamad la horgeynin. Wiil yar oo uu dhalay ayaa dhintay isaga oo weli xabsiga ku jira waxaana loo diiday inuu aaska ka qayb galo. Sannadkii 1973 isaga oo weli xabsiga ku jira waxa loo doortay in uu noqdo hogaamiyaha ururkii Zanu. Markii la sii daayey ka dibna waxa uu tagey Mozambique waxaanu halkaa ka bilaabay dagaal jabhadayn ah oo uu ku qaaday Rhodesia. Ururkiisii Zanu wuxu isbahaysi aan adkayn la yeeshay ururkii Nkomo ee Zimbabwe African People's Union (Zapu). Intii ay socdeen wadahadaladii adkaa ee lagaga wadahadlayey gobanimada Rhodesia, waxa loo arkayey in uu ahaa ninka ugu mayalka adag hogaamiyeyaashii madoobaa ee aan marnaba ka tanaasulayn waxa uu doonayo. Sannadii 1976 mar uu socdaal ku tagay London ayuu ku dhawaaqay in xalka keliya ee dhibaatada Rhodesia ku iman doono qori caaradii. Debacsanaantiisii Xirfadihiisii wadaxaajoodka ayuu ku mutay ixtiraam uu ka helo dad badan oo markii hore aad u dhaliili jiray, warbaahintuna waxay ku amaantay inu ahaa ""maskaxda jabhadda"". Heshiiskii lagu saxeexay Lancaster House ee 1979 waxa lagu dejiyey dastuur loo sameeyey Jamhuuriyaddii cusbayd ee Zimbabwe, oo lagu bedelay magacii Rhodesia, waxaana lagu mudeeyey in bisha Feeberweri ee 1980 ay dhacdo doorashadii ugu horraysay ee lagu dooranayey dawlad cusub. Mugabe wuxu ololaha doorashada galay isaga oo ka aragti duwan Nkomo, waxaanu helay aqlabiyad weyn, taas oo dad badan oo doorashada dusha kala socday ku noqotay guul lama filaan ah. Ururkii Zanu wuxu helay aqlabiyad badan in kasta oo ay labada dhinac ba doorashada ku tilmaameen in ay ka jirtay ku shubasho iyo cago-juglayn. Dadka reer Zimbabwe oo u dareeray doorasho aan Mugabe sharraxnayn Mugabe oon la gabban jirin inuu ahaa Marxist, ayaa markii uu guulaystay dad badan oo caddaan ahi ka guureen Rhodesia, iyadoo ay dadka taageersani dariiqyada ka damaashaadayeen. Si kastaba ha ahaateen, hadaladiisii debacsanaa ee dib u heshiisiinta markii uu guulaystay ka dib uu sheegay ayaa qanciyey dad badan oo ka soo horjeeday. Wuxu ballan qaaday inuu dhisi doono dawlad sal ballaadhan iyo in aan cidna xukuumadiisu ka aar gudan doonin isla markaana aanu qaramaynayn shirkadaha ganacsi ee gaarka ah. Wuxu sheegay in ujeedadiisu tahay dib u heshiisiin. Sannadkaa dabayaaqadiisii wuxu soo bandhigay siyaasadiisa dhaqaale taas oo isku dhaftay ganacsi gaar ah iyo maalgashi dawladeed. Markii uu ahaa ra'isal wasaaraha ee uu had iyo goor u doodi jiray in dalku yeesho xisbi keli ah, ayaa khilaafkii dhex yaallay Mugabe iyo Nkomo sii qoto dheeraaday. Mar la helay hub badan oo yaalay goobo uu lahaa ururka Zapu, ayaa Nkomo xukuumaddii lagaga saaray isku shaandhayn la sameeyey. In kasta oo uu afka uun dimuqraadiyadda ka sheegan jiray, Mugabe wuxu cabudhiyey mucaaradnimadii siyaasadeed. Badhatamihii sideetamaadkii ayaa waxa lagu xasuuqay kumanaan qof oo ah qoomiyadda Ndebele oo loo arkayey in ay yihiin taageerayaasha Nkomo gobolka uu ku dhashay ee Matabeleland. Hanti la wareegiddii Mugabe waxa lagu eedeeyey dilkaa ay fulisay guutada 5aad ee ciidanka Zimbabwe oo ay Kuuriyada Woqooyi tabobartay, laakiin maxkamad lama geyn. Cadaadis badanoo la saaray awgii ayaa Nkomo ku aqbalay in ururkiisii Zapu ku biiro Zanu hadii kale khasab lagula wareegi doono, waxaanu xsibigii Zanu markii dambe noqday Zanu-PF oo aan lala tartami karin. Markii uu meesha ka saaray xilkii ra'isal wasaarenimada ayaa Mugabe waxa uu noqday madaxweyne 1987 waxaana mar saddexaad xilka loo doortay 996. Isla sannadkaa ayuu guursaday Garace Marufu ka dib markii xaaskiisii u dhimatay kansar ku dhacay. Grace oo 40 sano ka yarayd waxay marka horeba u lahayd Mugabe laba caruur ah, kii saddexaadna waxay u dhashay madaxweynaha oo 73 jir ah. Waxoogaa wuu ku guulaystay inuu dhiso bulsho aan midab isku kala soocin, laakiin 1992 ayuu soo saaray xeerka la wareegidda dhulka kaas oo ogolaanayey in dhulka lala wareego iyada oo aan wax racfaana aanay qaadan karin cidda markaa lihi. Qorshuhu wuxu ahaa in dhulka oo ay badankiisa haysteen 4500 oo beeraley caddaan ahi dib loo qaybiyo. Horraantiin 2000 oo madaxtinimadiisana ay halis badani ka soo food saartay xisbi cusub oo markaa la sameeyey oo ah Movement for Democratic Change (MDC) oo uu hogaaminayey nin hore guddoomiye ugu ahaan jiray ururada shaqaalaha, Morgan Tsvangirai, ayaa Mugabe ku cadho burburay beeraleydaas oo loo arkayey taageerayaasha MDC. Taageerayaashiisa oo loo yaqaanay ""xorriyad u dirirkii"" ayaa qabsaday beero ay caddaanku lahaayeen waxaana la dilay qaar ka mid ah beeralaydaa iyo shaqaalahoodii madowga ahaa. Gargaarka dibadda Tallaabadaa uu qaaday waxay wiiqday dhaqaalihii dalka ee marka horeba dhutinayey oo waxa afka dhulka daray wax soo saarkii beeraha ee Zimbabwe ee waayo ahaan jiray waxa aan liici karin. Dadka Mugabe dhaliilayeyna waxay ku eedeeyeen in uu dhulkaa u qaybinayey dadka isaga siyaasad ahaan taageera ee aan la siinayn dadka reer miyiga ah ee u baahan. Waayo ku suntan taariikhda Mugabe 1924: Wuu dhashay, markii dambena macalin buu noqday 1964: Waxa xidhay xukuumaddii Rhodesia 1980: Wuxu ku guulaystay doorashadii ugu horaysay xorriyadii ka dib 1996: Wuxu guursaday Grace Marufu 2000: Wuxu ku guul darraystay afti, maleeshiyaad taageersan Mugabe ayaa xoog ku qabsaday beero caddaanku leeyihiin taageerayaasha mucaaradkana weeraray 2008: Wuxu kaalinta labaad ka galay wareegii koobaad ee doorashada oo Tsvangirai ku horeeyey, hase yeeshee uu qaadacay markii dame iyadoo weerarro lagu qaaday taageerayaashiisa dalka oo dhan 2009: Iyadoo dhaqaaluhu dumay ayuu Tsvangirai u dhaariyey ra'isal wasaarenimo oo xukuumad midnimo qaran ah oo aan is ogolan ay ku wada jireen afar sano 2017: Wuxu eryay jaalkiisii mudada dheer oo ahaa madaxweyne ku xigeenkiisa Emmerson Mnangagwa isaga oo dhabbaha u xaadhaya xaaskiisa Grace si ay xilka ugala wareegto. Noofember 2017: Ciidanka dalka aya farogeliyey siyaasadda oo ku khasbay inuu is casilo. Zimbabwe oo ahayd dalka ugu weyn ee cuntada soo saara Afrika waxay dhakhso isugu bedeshay dal ku tiirsan gargaar shisheeye oo lagu quudiyo dalkeeda. Sannadkii 2000 dorashooyinkii baarlamanka xisbiga MDC wuxu 57 ka helay 120 kursi oo aad loogu codeeyey, inkasta oo markii dambe 20 kursi ay heleen dad Mugabe magacaabay sidaana uu xisbigiisa Zanu-PF ku helay aqlabiyadda. Laba sano ka dib doorashadii madaxweynaha ayaa Mugabe ka helay 56.2% halka uu Tsvangirai ka helay 41.9% iyadoo loo caga-juglaynayey taageerayaasha MDC. Dad badan oo miyiga degan ayaa loo diiday in ay codkooda dhiibtaan oo hore looga xidhay goobihii codbixinta. Dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurubayaa iyaguna sida MDC oo kale aan aqoonsanin wixii ka soo baxay doorashada maadaama oo doorshada ay hadheeyeen qalaase iyo eedo musuqmaasuq ahi, waxaanay Mugabe iyo Zimbabwe ba sii galeen go'doon sii kordhaya. Ururka dalalka baraaqo sooranka ayaa sidoo kale Zimbabwe ka joojiyey inuu ka qayb galo shirarka ururka ilaa iyo inta ay hagaagayso dimuqraadiyaddiisu. Sannadii 2005 ayaa Mugabe wuxu bilaabauy olole loo bixiyey Soo Celinta Kala Dambaynta oo gacan adag lagu saaray suuqa madow iyo waxa lagu sheegay ""qas guud"" oo dalka ka jiray. Qiyaastii 30,000 oo wadhato ah ayaa la xidhay waxaana la dumiyey xaafadaha isku raranta ah ee dalkoo dhan ku yaallay, taas oo dhalisay in 700,000 oo qof oo reer Zimbabwe ahi barokacaan. Shan arrimood oo ku saabsan Robert Mugabe Robert Mugabe wuxu ahaa nin aan raaxo jeclayn oo ku lebista dhar aan qaali ahayn isla markaana aan cabin khamriga. Saaxiibadii iyo kuwa ay is hayaanba il shaki leh ayuu ku eegi jiray arintaas oo aan waxba ka sokayn inuu noqdo qof baqe aan jirin qaba. Wuxu ahaa nin lagu amaano inuu ahaa geesiyadii halgankii Afriki heeryadii gumaysiga iskaga tuurtay hase yeeshee wuxu isku rogay kelidii-taliye ku tuntay xquuqda aadanaha dal mar barwaaqo ahaana ka dhigay goob macaluuli kuudaddo. Soo yaalkiisu waxa suurto gal ah inuu sannado badan sumcadda Zimbabwe cabmaar ku ahaado." https://www.bbc.com/somali/49610327 +sports Muxuu Ronaldo ku yiri wiilka xalay booskiisa galay ee wacdaraha dhigay? "Ciyaarta inta aysan billaaban ka hor, dhammaan hadal heynta ayaa aheyd in Cristiano Ronaldo laga tagay. Markii ay ciyaarta dhammaatayna, qof walba waxa uu ka hadlayay Goncalo Ramos. Kaamirooyinka ayaa kusii wada jeeday gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Boqtaqiiska, kaasoo falcelintii uu sameeyay markii la beddelay ciyaartii hore ee qarankiisa ay ka careysiisay tababare Fernando Santos, isagoo ka mid noqday ciyaartoyda keydka la soo fariisiyay kulankii wareegga 16-ka ee ay la yeesheen Switzerland, oo qeyb ka ah Koobka Adduunka ee Qadar. Kursiga keydka waxaa hareereeyay sawir qaadayaal doonaya in ay sawiraan Ronaldo oo aan raali ka aheyn in la fariisiyay, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee uu isagoo fyoow ka maqnaado xulka Boortaqiiska oo ciyaaraya tartan weyn tan iyo 2008. Laakiin dareenka ayaa markiiba u wareegay ficilka garoonka dhexdiisa ka socday, iyadoo 21-sano jirka lagu beddelay booska Ronaldo uu ka faa’ideystay fursadda, waxa uuna qeyb ka noqday ciyaar cajiib ahayd oo ay Boortaqiiska ku hanteen guul 6-1 ah. Markii tababaraha Boortaqiiska Santos uu qaatay go’aanka uu Ronaldo kursiga keydka ugu fariisiyay, ma uusan rajo ka qabin natiijo ka wanaagsan tan uu helay. Kaliya ma ahan in xulkiisu ay lix gool ka dhaliyeen ciyaartii kala harka ee Koobka Adduunka, balse wiilka da’da yar ee uu ku nasiibsaday ayaa saddex gool dhaliyay habeenkii ugu weynaa ee xirfaddiisa. Isagoo jira 21 sano iyo 169 maalmood, Ramos waa ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee saddexleey ka dhaliya Koobka Adduunka tan iyo 1962-kii, markaas oo uu sidaasoo kale sameeyay Florian Albert. Weeraryahanka kooxda Benfica ayaa 17 daqiiqo markii uu garoonka ku jiray helay kubbad uu si wanaagsan u qaatay, waxa uuna shabaqa u daba mariyay gool hayaha Switzerland, Yann Sommer. Wax yar ka dib markii laga soo noqday nasashada qeybta koowaad ee ciyaarta ayuu gool kale ku hubsaday shabaqa, isagoo ka miro dhaliyay laad uu ka helay Diogo Dalot, sidaasna waxa uu uga dhigay 3-0. Laad kale ayuu ka helay Raphael Guerreiro, waxa uuna Ramos xaqiijiyay seddexleeydiisa cajiibka ah, isagoo kubadda si layaab leh uga dul qaaday gool haye Sommer. Waa saddexleydii ugu horreysay ee laga dhaliyo Koobka Adduunka ee 2022. Inkastoo la bixiyay daqiiqaddii 74-aad, waxa uu ciyaarta ku soo gabagabeeyay isagoo tuuray darbooyinkii ugu badnaa (Lix), darbooyinka uu goosha ku beegay (shan). Markii Ramos la bedelay, goolhayihii hore ee England Robert Green ayaa u sheegay BBC Radio 5 Live: ""Taasi waxay ahayd ciyaar cajiib ah oo uu soo bandhigay Goncalo Ramos. Waa bandhiggii ugu fiicnaa ee la arko ilaa inta uu socday Koobka Adduunka”. Waa kuma Ramos? Ronaldo weli wax gool ah uma dhalin Boortaqiiska lix kulan oo kala har ah oo ay ciyaareen halka Ramos uu dhaliyay saddex gool ilaa hadda. Ramos, oo ku soo baxay tababarka da’ yarta kooxda Benfica, ayaa wadar ahaan u ciyaaray Portugal kaliya 33 daqiiqo seddex kulan oo uu u saftay dalkiisa ka hor inta uusan wajihin Switzerland. Hal gool ayuu ku dhaliyay ciyaar saaxiibtinimo oo 23-daqiiqo u uku jiray markii ay la kulmeen Nigeria bishii November, ka hor inta uusan laba daqiiqo iyo sideed daqiiqo ka ka helin labadii kulan ee guruub-yada ee Ghana iyo Uruguay. Ka dib waxa uu ahaa beddel aan la isticmaalin ciyaartii Boortaqiiska oo horey u soo baxday ay guul darro kala kulmeen South Korea. Si kastaba ha ahaatee, marka la eego bilawgiisii ​​​​ugu horeysay ee heer caalami ee heerka kala haritaanka ee Koobka Adduunka, wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed muujinaya inuu waxyaabaha noocan ah dhowr sano ku sameynayay tababarka. Isagoo dhaliyay 14 gool iyo lix caawin 21 kulan oo uu u saftay Benfica xilli ciyaareedkan - oo ay ku jiraan toddobo gool lixdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka - Ramos hubaal ma ahan ciyaaryahan ay kalsooni ku yar tahay waqtigan. Laakiin mar walba waxa uu ka fikirayay sida uu noqon doono kulankiisa ugu horreeya ee la billowdo ciyaar qeyb ka ah Koobka Adduunka. Hadda wuu helay jawaab ku filan. Waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee saddexley ka dhaliya kulankiisa ugu horreeya ee Koobka  Adduunka tan iyo markii uu sidaas sameeyay Miroslav Klose oo Jarmal ah, kaasoo ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Koobka Adduunka ee ragga, 2002. Sidoo kale Ramos waa gooldhaliyaha labaad ee ugu da’da yar Portugal taariikhda Koobka Adduunka, ka dib Ronaldo oo sidaas sameeyay sanadkii 2006. Bandiggan cajiibka ah ka dib waxa uu dareemi doonaa inuu sameeyay wax walba oo uu awoodo si uu u xaqiijisto booskiisa wareega 8da ee ay ku ballansan yihiin xulka Morocco. Ramos oo wax laga waydiiyay Ronaldo dhammaadkii ciyaarta ayaa yiri: “Cristiano Ronaldo waxa uu ila hadlaa aniga iyo qof kasta oo kooxda ka tirsan, waa hogaamiyahayagii waxana uu mar walba isku dayaa in uu i caawiyo”. Mar walba waa la ogaa in uu war weyn noqon doono waxa dhaca marka uu hakad galo taxanaha kulamada isku xiga ee uu weeraryahankii hore ee kooxaha Real Madrid, Juventus iyo Manchester United u safanayay xulkiisa qaranka ee Boortaqiiska. Marka la eego saamaynta Ramos, ma jiri karto dammaanad qaad ah in Ronaldo 00 37 jir ah uu dib u soo ceshan doono booskiisa marka la gaaro kulanka Morocco ee dhici doona Sabtida. Tababaraha Boortaqiiska Santos ayaa sheegay in uusan runtii jecleysan falcelinta uu sameeyay Ronaldo markii la beddelay daqiiqaddii 65-aad ee kulankii ay guul darrada kala kulmeen South Korea ciyaartii ugu dambeysay ee heerka guruub-yada, taasoo lala barbar dhigay sida uu si lama filaan ah ugu dhammaaday waqtigiisii ​​Manchester United bishii hore. Laacibka shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa beeniyay inuu si toos ah ugu xanaaqay tababarihiisa, balse wuxuu kursiga keydka isku arkay kulankii Switzerland. Isagoo noqday ninkii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya shan tartan oo Koobka Adduunka ah horaantii tartanka, qaab ciyaareedka kooxdan ee mararka qaar liita ayaa laga yaabaa inuu ku khasbo Ronaldo inuu aqbalo door aan ahayn kii uu rabay. Weeraryahankii hore ee England Ian Wright oo la hadlayay ITV, ayaa yiri: “Tani waa koox si fudud ku socon karta waddada oo dhan, Ronaldo ayaana wali wax ku biirin kara. ""Haddii uu si fiican isu dejiyo, wuxuu nasiib u yeelan karaa inuu u dhaliyo goolka guusha ee ciyaarta kama dambeysta ah.""" https://www.bbc.com/somali/articles/c0jg4yq394lo +politics Antone Melton-Meaux: Waa kuma ninka tartanka adag la galay Ilhaan Cumar? "Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, gaar ahaan degmada 5aad, waxaa loo doortay in Ilhaan Cumar ay marlabaad ku matasho tartanka xisbiga Dimuquraadiga ee Aqalka Congress-ka Mareykanka. Ilhaan ayaa wajihi doonta musharixiinta axsaabta kale ee iyagana u hanqal taagaya kursigaas oo ay iyadu ku fadhiday labadii sano ee la soo dhaafay. Hadda, tikitka xisbiga Dumuquraadiga waxaa lhaan kula tartamayay nin Afrikaan Amerikaan ah oo lagu magacaabo Antone Melton, kaas oo ay Ilhaan loolan adag kala kulantay. Antone Melton-Meaux, ayaa bishii hore u sheegay warbaahinta in uu sannadkii 2018-kii u codeeyay Ilhaan Cumar oo markaas u tartameysay aqalka congress-ka, balse hadda in ""dadka ay qofkale doonayaan"", isagoona Ilhaan ku tilmaamay in ay tahay qof dadka kala qeybinaysa. ""Ma daneynayo magac, balse waxaan daneynayaa adeeg,"" ayuu yiri Antone Melton, oo ay Ilhaan xalay kaga guuleysatay isreeb-reebka xisbiga dimuqraaddiga ee Aqalka Kongreska. Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, Melton ayaa la yimid lacag gaareysa $3.2 million oo dollarka taasoo uu ku ololeynayay, halka Ilhaan Cumar ay la timid $471,000 oo dollar, oo ah lacag aad uga yar middii uu Melton ku galay ololaha. Ilhaan waxay deeqaha ay ku ololeyneysay ka kala heshay guud gobolada Mareykanka, iyadoo inta ugu badan ka heshay gobolka California, New York iyo meelaha ay shacabka isku-dhafka ah ku badan yihiin, sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka. Sida lagu qoray NBC, Melton wuxuu dhankiisa deeqaha ka helay dad magac ahaan laga garanayo gobolka, kuwaasi oo taageero xoog leh u muujiyay tartankiisa. Antone Melton, waxa uu ku dhashay gobolka bartamaha Mareykanka ee Midwest, wuxuuna ku koray magaalada Cincinnati ee gobolka Ohio. Waa 47-sano jir, sharci yaqaan ah, kuna cusub siyaasadda xisbiga Dimuqraaddiga ee gobolka Minnesota. Wuxuu sharciga ku soo bartay kuliyadda qaanuunka ee jaamacadda Virginia. Waxa uu muddo ku noolaa caasimadda Mareykankanka ee Washington, kahor inta aysan gobolka Minnesota u soo guurin isaga iyo xaaskiisa Dr. Genevieve Melton-Meaux, iyo labadiisa carruur. Melton wuxuu howl badan ka soo qabtay sidii ay dadka ku nool degmada Washington DC ay u heli lahaayeen Hooy ama guryo ay awoodi karaan in ay iska bixiyaan kiradooda. Inkastoo ay Ilhaan iyo Melton ay ku kala baxeen codeyn, haddana warbaahinta waxay sii qorayeen in marka ay timaaddo cidda soo bixi karta ay u muuqatay Ilhaan oo taageero aad u weyn ka heysatay gudaha gobolka iyo dalkaba. Inkastoo ay arrimo badan ay isla oggol yihiin, haddana waxaa jiro siyaasado ay ku kala aragti duwanyihiin, sida daryeelka caafimaadka iyo deegaanka, balse tan ugu weyn waa mid ka baxsan degmadooda ay ku tartamayeen - waa fikaradda ay ka qabaan maamulka Israa'iil. Antone Melton, ayaa garab weyn ka heystay taageerayaasha madaxweyne Trump oo Ilhaan Cumar ay dhowr jeer fagaarayaal hadallo kulul isku canbaareeyeen oo ay isku dhaafsadeen. Melton ayaan ahayn nin aad uga hadla arimaha maamulka Israa'iil, halka Ilhaan Cumar ay ku fogaatay deegaameynta ay Israa'iil ka waddo daanta galbeed iyo maqaamka magaalada Qudus. Jeremy Slevin, oo ah agaasimaha warbaahinta u qaabilsan Ilhaan, ayaa Antone Melton ku dhaliilay in uu taageero ka helo dadka Trump taageera. ""Waxaa ceeb ah in musharrax Dimuqraaddi ah oo u tartamaya degmada 5-aad uu dhaqaale ka oggolaado Trump ama deeq bixiyeyaal ka tirsan xisbiga Jamhuuriga,"" ayuu yiri Jeremy Slevin. Balse Antone Melton kama uusan hadlin arrintaas, mana uusan caddeyn meesha uu ka helayay dhaqaalaha uu ku bixiyay ololihiisa. Si kastaba, ninka Ilhaan kaga horreeyay howshan oo iminka ah xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota, oo lagu magacaabo Keith Ellison, ayaa taageeradiisa dul dhigay Ilhaan, wuxuuna dalbaday in mar kale fursad la siiyo Ilhaan Cumar. Antone Melton, ayaana natiijadii xalay la shaaciyay ee isreeb-reebka xisbiga Dimuquraadiga looga guuleystay, waxaana ku soo baxday Ilhaan cumar oo heshay in ka badan 57% boqolkiiba, codadkii la dhiibtay." https://www.bbc.com/somali/war-53752165 +health Dalalka saboolka ah ee Afrika lacag badan bay ku iibsadaan dawooyin liita "Khubaro ku takhusay arimaha caafimaadka ayaa BBC-da u sheegay in dalalka Afrika ee dhaqaalahoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka yahay ay lacag aad u badan ay ku bixiyaan dawooyin wax tarkoodu liito. Wadamada ay ka midka yihiin Zambia, Senegal iyo Tunisia ayaa dawooyinka maalin kasta dadku isticmaali karaan sida Paracetamol-ku ay 30 goor ka qaalisan yihiin qiimaha ay ka taaganyihiin Ingiriiska iyo Maraykanka. Suuqyada dawooyinka dalalka saboolka ah ""lama ba xakameeyo"" ayey tidhi Kalipso Chalkidou oo ka tirsan urur ka shaqeeya horumarka dunida oo la yidhaa Centre for Global Development. Waxa tidhi ""tartankii ganacsigu wuu xannibanyahay"" sababtuna waxa weeyi ""soo dejinta ama samaynta dawooyinka oo in yar gacanta ugu jira"". Chalkidou oo ah agaasimaha siyaasadda daryeelka caafimaadka ee ururkaas, ayaa waxay ka mid ahayd khubaro qortay warbixin ku saabsan ganacsiga dawooyinka, waxaanu nuxurka warbixintaasi yahay in dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ama meel dhexaadka yahay ay dawooyin kooban soo iibsadaan, taasina keento tartanka, xakamaynta iyo tayada oo liidata. Waxay warbixintu sheegtay in dalalka hodanka ahi, maadaama oo ay dawladuhu lacagta bixyaan habka lagu xusho tayada dawooyinkuna yahay mid adag, ay u suurto gasho in ay dawooyinka sicir jaban ku helaan. Dalalka saboolka ah ayaa dawladuhu waxay had iyo goor soo iibsadaan dawooyin aad u qaali ah, halkii ay ka doonan lahaayeen dawooyin aan qaali ahayn oo 85% laga helo suuqyada Ingiriiska iyo Maraykanka. Dalalka aadka u saboolka ah ee deeq bixiyeyaashu u soo iibiyaan dawooyinka ayaanay dhibaatadani haysan, qiimaha dawooyinka adoon dhakhtar kuu qorin la iibsan karaana aad ayey u jaban yihiin. Wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka yahay ""ayaan awood badan oo ay kaga gorgortamaan qiime dhimis iyo tayada dawada aan lahayn"". Waxaana intaa dheer kharash kale oo fuula oo ay ka dhasha cashuuraha iyo musuqa. Waxay sheegtay in xeerarka aan adkayni sababayaan tayda dawooyinku noqoto mid liidata. ""Hadii aan xeerar jirin, dadku waxay is odhanayaan dawooyinkani ma shaqaynayaan, markaas ayey lacag badan ku bixinayaan dawooyin ay is leeyihiin wax bay idiin tarayaan oo aan qudhooduna waxba tarayn."" Ayay tidhi Chalkidou. Warbixintu waxya ku talo bixinaysaa in la helo iskaashi dheeraad ah oo dunidu yeelato iyo in dib loo habeeyo hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo sidoo kale in la tayeeyo siyaasadaha iyo hab dhaqanka wax iibsiga ee dalalkaa la sheegay." https://www.bbc.com/somali/48750338 +politics Dowlad dalkeeda ka mamnuucday BBC "Dowladda Shiinaha ayaa mamnuucday BBC qeybta dibadaha la hadasho inay ka howlgasho dalkaaasi, waxaa sidaasi shaacisya hay'adda u qaabilsan dhanka telefishinada iyo idaacadaha. Xukuumadda Shiinaha ayaa cambaareysay BBC qaabkii ay u tabisay wararka la xiriira feyriska Corona iyo dhibaatada lagu hayo Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighurs. Madaxda BBC ayaa dhankooda sheegay in go'aankaasi uu yahay mid""laga xumaado"". Arrintan ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii waaxda dowladda Britain u qaabilsan xadeynta warbaahinta ee loo soo gaabiyo Ofcom ay shatigii ay uga howlgalayeen UK kala noqodtay Telefishinka Shiinaha ee (CGTN). Waaxda Ofcom ayaa gaartay go'aankaasi horraantii bishan ka dib markii ay ogaatay in shatiga Telefishinka CGTN uu si qaldan gacantooda ugu jiro shirkadda Star China Media Ltd. Waxaa sidoo kale CGTN lagu helay inay sanadkii la soo dhaafay jabiyeen xeerka warbaahinta ee dalka Britain, ka dib marka sida la sheegay ay baahiyeen in iyada oo lagu qasbayoah uu qirto dambi Peter Humphrey oo ah muwaadin u dhashay UK. Go'aanka dowladda Shiinaha ay dalkeeda kaga mamnuucday BBC, waxaa hay'adda maamusha Idaacadaha iyo Teleshinada ee Shiinaha ay sheegtay in BBC lagu helay ""ku tumasho shuruucda warbaahinta"" taasi oo ay ka mid tahay ""in warku noqdo mid run ah oo xaq ku dhisan, balse uusan noqon mid dhaawacaya danaha Shiinaha"". Hay'adda ayaa sidoo kale sheegtay in aan la aqbali doonin codsiga BBC ee ah in dalkaasi ay ka howlgasho hal sano oo kale. Bayaan ay BBC soo saartay ayaa lagu yiri 'aad ayaan uga xunahaya in xukuumadda Shiinaha ay qaadato go'aankaasi. BBC ayaa ahaa mid aad loogu kalsoon yahay wararka ay tebiso guud ahaan caalamka, waxayna wax u tebisaa si xaq ah oo dhexdhexaad ah oo aanan dhinac-na u xaglinayn." https://www.bbc.com/somali/war-56021219 +politics Warqad ka socota Afrika: Afrika uma baahna in Mareykanka uu wax u meeriyo "Taxanaha BBC Afrika ee warqadda ay soo diraan saxafiyiinta, waxaan isbuucan ku soo qaadaneynaa, Waihiga Mwaura oo eegaya waxa qaaradda ay ka fileyso madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Waxaa la fidiyay roogga cas, meesha kullanka uu ka dhacayay waxaa buux-dhaafiyay dad badan, amnigana aad ayaa loo adkeeyay. Ka dib Joe Biden ayaa soo koray masraxa si uu hadal u jeediyo. Waxay arrintaas ka dhacday magaalada Nairobi, sannadkii 2010-kii oo Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeenkii Mareykanka. ""Waxaan filayaa in sababta aan halkan u imid aysan ahayn inaan wax idiin meeriyo,"" ayuu yiri. Wuxuu matalayay weji markasta looga bartay wax meerin. ""Ma ahi,"" ayuu carabka ku sii adkeeyay. ""Balse inta badan dhaqaalihiina waxay ku lumeen si musuqmaasuq ah, mana jiro masuul sare oo lagula xisaabtamay dembigaas. Waxaan ka mid ahaa dadkii daawanayay, xilligaasna Mareykanka wuxuu ahaa muraayadda dimuquraadiyadda iyo kala dambeynta. Waxaa loo arkayay dhulka xuriyadda, geesinimada iyo dhiiragelinta riyada oo rumowda. 10 sano ka dib wax badan ayaa is bedelay. Haddaba, Biden ma joojin doonaa arrintii ahayd in Afrika wax loo meeriyo? - Muxuu yahay micnaha uu yeelan karo Biden, haddii maanta uu soo booqdo Kenya? Siyaasadihii Trump ee Mareykanka ka horumarinayay wax kasta, ayaa dib u qeexay muuqaalka dalkaas ee caalamka. Balse muuqaalkaas waxaa xumeeyay hadalladiisa iyo ficilladiisii - waxaa ka mid ahaa hadallo qalafsan iyo kuwo lagu tilmaamay aflagaado. Sidoo kale, waxaa suuragal in xafiiska madaxweynaha iyo shaqsiyaadka la kala saaro. Haddaba iyadoo la eegayo wixii dhacay afartii sano ee la soo dhaafay, Biden waa in uu Afrika ula hadlaa qaab ka duwan midkii hore, farriintana ay is bedeshaa. Tusaalooyiinka la xiriira sida in Trump uu u huriyay xaaladihii iyo dhaqamadii caadiga ahaa, uu na baabi'iyay sidii Mareykanka loo arki jiray, hadda waxaa adkaan doonto in wax badan uu Biden ku celiyo sidii ay ahaan jireen. Balse marka laga soo tago in uu diiday in xogta canshuur celintiisa uu shaaciyo, sida uu u liiday hay'adaha sirdoonka iyo in uu diiday hadallada seynisyahannada ee coronavirus, waxaa kaloo jirta arrintii 6-dii bishan January ee dad taageersan Trump ay qabsadeen dhismaha US Capitol, taas oo muujisay arrinta dhaafsiisan hal qof. Mareykanka markan ma ahan magaaladii ka ifeysay buurta dusheeda. Shan qof ayaa dhimatay xilligii dadkaas ay isku deyayeen in ay joojiyaan kullan isku dhaf ah oo u dhexeeyay labada aqal ee Baarlamaanka Mareykanka oo lagu aqoonsan rabay madaxtinimada Joe Biden. Waxaa arrintaas ka dhashay in madaxweynihii xilka banneeyay uu isku deyay in uu afgembi ku sameeyo maamulka si uu xilka u sii haysto. Dunida ayaa daawaneysay xaalado cakiran oo horey loogu arkay keliya dalalka aysan dimuquraadiyaddooda horumarsaneyn. Wargeysyada qaar ee caalamka ayaa arrintaas ku tilmaamay ""fowdo"" iyo ""ceeb wayn"" - waxayna qaarkood Trump ku tilmaameen ""qof ceeboobay oo weji-gabax la kulmay"". Mr Biden wuxuu Aqalka Cad la wareegay isagoo og in dunida aan marka laga xushmeyneyn Mareykanka - sidii ay ahaan jirtay in ay wax iska bedeleen. Taasi waxay caqabad ku noqon kartaa dowladnimada qaaradda oo dhan ka jirta. Madaxweyneyaasha hadda kama baqi doonaan Mareykanka, wayna u fududaan doontaa in ay diidaan walaaca iyo hadallada la xiriira hannaanka dimuquraadiyadda. Ka dib doorashadii Uganda, madaxweyne Yoweri Museveni wuxuu warbaahinta reer Galbeedka u sheegay in xarigga iyo xannibaadda lagu hayo dibad baxayaasha ay tahay arrin looga hortagayo in ay dhacaan wax la mid ah arrimihii ka dhacay Washington. Marka ereyada militariga loo eego, Sanado badan waxaa Mareykanka lagu tilmaamayay booliska dunida, balse marka laga hadlayo dimuquraadiyadda waxaa loo arkayay midka ugu fiican. Hadda, dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ah iyo ururada bulshada ee ka jira Afrika ma ku tiirsanaan karaan Mareykanka in uu ka taageero arrimaha doorashooyiinka? In kastoo amniga aad loo adkeeyay, haddana awoodda si nabad ah ayuu Biden ula wareegay, waxaana dib u soo noqday shaqadii dowladda iyo Congress-ka Mareykanka. Waxay ka hadlayaan muhiimadda ay leeyihiin hay'ado dowli ah oo awood leh oo dhaafsiisan shaqsiyaad. Sidoo kale Biden waxaa suuragal ah in uu hadda og yahay ama dareemayo sida ay tahay nolosha marka hoggaamiye uu si fudud u bedelo karo siyaasaddii dhaqanka ahayd iyo xaaladaha caadiga ah. Sikastaba, wuxuu u baahan yahay in uu si fudud oo deggan u akhriyo xiriirka kala dhexeeya Afrika. Waana in uu si ka fiirsasho leh u qiimeeyaa hadalladiisa iyo talooyiinka uu siinayo qaaradda." https://www.bbc.com/somali/war-55784979 +health Tallaalka coronavirus ee Pfizer: Mareykanka oo ansixiyay in dawadan loo adeegsado xaaladaha degdega ah "Hay'adda maamusha Cunnada iyo dawooyinka waddanka Mareykanka (FDA) waxa ay meelmarisay in xaaladaha degdega ah loo isticmaali karo tallaalka fayraska korona ee ay samaysay shirkadda Pfizer-BioNTech. Hay'adda ayaa sheegtay in meelmarinteedu ay aheyd ""guul taariikhi ah"" oo laga gaaray cudurka safmarka ah, kaas oo gudaha Mareykanka ku galaaftay nolosha in ka badan 295,000 oo qof. Tallaalka, oo horseedaya in difaaca jirka uu boqolkiiba 95% ka hortago cudurka Covid-19, Waxay hay'adda FDA u aragtaa inuu yahay mid waxtar ah oo ammaan ah. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in tallaalka ugu horreeyay la bixin doono ""wax ka yar 24 saacadood"". ""Maanta qarankayaga waxa uu gaaray mucjiso caafimaad,"" Mr Trump ayaa sidaa yiri. ""Waxa aynu muddo sagaal bilood ah ku soo saarnay tallaal waxtar ah oo ammaan ah."" Ka hor inta aanan warka lagu dhawaaqin, habeenkii Jimcaha, ayey hay'adda FDA cadaadis wayn kala kulantay maamulka Trump si uu u meelmariyo isticmaalka tallaalka. Madaxa hay'adda, Stephen Hahn, ayaa loo sheegay inuu tallaalka meelmariyo si loogu isticmaalo xaaladaha degdega ah, ka hor Jimcaha ama inuu xilka banneeyo, waxaa sidaasi ku warrantay warbaahinta Mareykanka, walow uu arrintaas ku tilmaamay ""been"". Xoghayaha Caafimaadka iyo Adeegyada bini'aadamka, Alex Azar, wuxuu gelinkii hore ee Jimcaha, weriyayaasha u sheegay in waaxdiisa ay la shaqeyn doonto shirkadda Pfizer si Isniinta ama Talaadada loo bilaabo barnaamij ballaaran oo tallaal ah. Tallaalka Pfizer waxaa ansixiyay hay'adaha maamula arrimaha caafimaadka ee UK, Canada, Baxrayn iyo Sucuudi Carabiya. Sida dalalkaas, Mareykanka ayaa qeybta ugu horreeya ee tallaalka waxa uu siinayaa dadka da'da ah, howlwadeennada caafimaadka iyo shaqaalaha gurmadka degdega ah. Dhimashada uu sababay fayraska korona ayaa Mareykanka waxa ay sare u yara kacday tan iyo bishii Nofeembar. Arbacadii, waxa uu dalkaas diiwaangeliyay in ka badan 3,000 oo dhimasho - tiradaas oo ah midda ugu sarraysa ee maalinqura caalamka laga diiwaangeliyay. ""Meelmarinta hay'adda FDA ee in tallaalka Covid-19 in loo adeegsado xaaladaha degdega ah ayaa ah guul taariikhi ah oo laga gaaray cudurkan halaaga ah ee saameeyay qoysas badan oo ku nool waddanka Mareykanka iyo daafaha dunida,"" ayuu yiri Mr Hahn. Waxa uu sheegay in ansixintu ay timid kaddib ""markii la sameeyay hannaan furan oo baraxtiran oo dib loogu eegayay arrinta"" taas oo lagu xaqiijiyay in tallaalku uu gaarsiisan yahay ""Heerrarka waxtarka, badqabka iyo tayada wax soo saarka ee hay'adda FDA"". Khamiistii, khubarada caafimaadka ee latalisa FDA ayaa waxa ay ku talabixiyeen in la ansixiyo in tallaalka loo isticmaalo xaaladaha degdega ah. Guddiga ka kooban 23-ka xubnood ayaa waxa uu gaaray go'aanka ah in faa'iidada tallaalka ay ka wayn tahay halistiisa. Xaaladaha degdega ah, ayey FDA-du sheegtay, in aanay ahayn ansixin dhammaystiran, taas oo u baahan in Pfizer ay soo buuxiso arji kan ka duwan oo arrintaas ay ku dalbanayso. Tallaalka Pfizer/BioNTech ayaa noqday midkii ugu horreeyay ee muujiya natiijo wanaagsan, ka dib markii lagu sameynayay tijaabooyinka markii uu marayay wajiga ugu dambeeyay ee samayntiisa. Waa nooc cusub oo lagu magacaabo tallaalka mRNA kaas oo isticmaalaya hidda-side yar oo fayraska safmarka ah si jirka loo baro sida loola dagaalamo Covid-19 iyo in difaaciisa la dhiso. ""Tallaalku waxa uu ka kooban yahay waxyar oo fayraska mRNA ee [Covid-19] kaas oo galaya unugyada jirka si uu u sameeyo borotiin gaar ah,"" ayey FDA tiri. ""Markii qofka lagu duro tallaalka, jirka ayaa waxa uu soo saarayaa borotiinno aanan sababayn cudur balse dhisaya difaaca jirka kuwaas oo baranaya habka la isaga difaaco cudurka [Covid-19]."" Tallaalka waxa uu ka kooban yahay laba cirbadood oo 21 maalmood ay u dhaxayso qaadashadooda, iyadoo dooska labaad uu yahay xoojiyo. Difaaca jirka ayaa xoogaysanaya kaddib marka uu ruuxa qaato dooska koobaad hasayeeshee saameyn buuxdo waxaa la gaarayaa 7 maalmood kaddib marka dooska labaad la qaato." https://www.bbc.com/somali/war-55284718 +business Jeff Bezos: Maxay maalqabeennada adduunka u daneynayaan inay tagaan hawada sare? "Maalqabeenka iska leh shirkadda Amazom, Jeff Bezos ayaa maanta u duulay hawada sare, isagoo raacay dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ay dad rakaab ah raacaan kaas oo lagu magacaabo New Shepard. Waxaana safarkan uu ku tegayo hawada sare ku wehliya Mark Bezos oo la dhashay Jeff iyo Wally Funk oo 82 jir ah taas oo bilowday tartanka loogu jiro hawada sare xilli ay aheyd arday. Waxay ku safreen qalab sidii gantaalka ah oo leh daaqado waaweyn. Dayax-gacmeedkan New Shepard waxaa soo saartay shirkad uu leeyahay Jeff Bezos oo la yiraahdo Blue Origin si loo xoojiyo suuqa dalxiiska ee hawada sare. ""Aad baan u faraxsanahay, dadka waxay i weydinayaan in aan baqayo iyo in kale. Waxaan doonayaa in wax badan aan soo ogaado, waxaan doonayaa in aan soo barto waxa aad ka baran doontaan safarkan,"" ayuu yiri Jeff Bezos oo wareysi siinayay warbaahinta CBS News. Wally Funk waxay dhankeeda sheegtay ""Waa tallaabo aan qaadeyno, in muddo ah ayaan sugeynay in aan dayaxa tago, waa arrin aan ku haminyay."" Sanadihii 1960-maadkii, Wally Funk ayaa kamid aheyd koox lagu magacaabo Mercury 13 kuwaas oo maray tababaro iyo tijaabooyin lamid ah kuwa ay maraan dadka cirbixiyeennada ah balse weligeed ma aysan tegin hawada sare. Afartan rakaabka ah ayaa ka duulay saldhig gaar ah oo uu leeyahay Bezzos kaas oo ku yaalla meel u dhaw deegaanka Van Horn ee gobolka Texas. Arrintan ayaa imaaneysa xilli toddobaadkii lasoo dhaafay uu Richard Branson oo ah maalqabeen u dhashay UK dayax-gacmeed ku tagey hawada sare. Jeff Bezzos wuxuu heystaa lacag dhan 200 bilyan oo dollar, waana ninka ugu taajirsan adduunka. Ninkan 57 jirka wuxuu dhawaan iska casilay jagada madaxa fulinta ee shirkadda Amazom. Mark oo ah nin la dhashay Bezzos ayaa wuxuu aasaasay shirka qaabilsan xayeysiinta, haatan waa ku xigeenka madaxa hay'adda Robin Hood oo ah hay'ad qaabilsan arrimaha samafalka. Qofka afaraad ee safarka ku wehliya ayaa ah wiil uu dhalay nin lagu magacaabo Joes Daemen, kaas oo aasaasay shirkad gaar loo leeyahay oo fadhigeedu yahay Netherlands, wuxuu qabsaday kursiga labaad ee dayax-gacmeedka hawada sare tegaya. $28 milyan oo doolar ma ku bixin laheyd dalxiis hawada sare ah? Maalqabeen doonaya cid ku wehlisa safarka dayaxa Dayax gacmeed dalxiisayaal dayaxa u qaadi doono oo la tijaabiyey Waxaan kursigaas horey u qabsaday nin aan magaciisa la sheegin oo ku bixiyay 28 milyan oo dollar kaas oo markii isaga haray sababo la xiriira wakhtiga. Jeff Bezzos iyo Richard Branson ayaa dhaleeceyn kala kulmay baraha bulshada. Dadka qaar waxay ku doodayeen in lacagta ay ku bixinayaan safarkaas ay aheyd inay wax ku bixiyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbedallada cimilada iyo dhibaatada ka dhalatay safmarka Fayraska Korona. Richard Branson aaa dadkaas u jawaabay, ""Waan fahmi karaa waxa ay ka hadlayaan balse waxay ila tahay in aysan fahansaneyn waxa uu safarka hawada sare uga dhigan yahay dunida."" Wuxuu sheegay in dayax-gacmeedka uu dusha kala soconaya xaalufinta lagu hayo dhirta iyo deegaanka, cunto gaarsiinta dadka iyo xitaa waxka qabashada isbedallada cimilada. Richard wuxuu sidoo kale sheegay ""waxaan u baahanahay in daxay-gacmeedyo badan ay hawada sare gaaraan.""" https://www.bbc.com/somali/war-57905166 +religion Masiixiyiintu maxay maalmo kala duwan u ciidaan Kirismas-ka "Daraasad ay samaysay xarunta cilmi baadhista ee Pew sannadkii 2011 ayaa xaqiijisay in tirada dadka Masiixiyiinta ah ee ku nool dunidu ay tahay 2.19 bilyan oo qof waxaana ay maalmahan u dabaal degayaan dhalashadii Nabi Ciise. In kasta oo sida la ogyahay ay dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo dalalka dunida badankoodu ay Ciidda Kirismas-ka u dabaal degaan 25 Disember sannad walba, haddana waxa jira waddamo badan oo isla ciiddaa u dabaal dega 7 January sannad walba. Kala duwanaanshahaa waxa u sal ah kala duwanaanshaha hab tiriska taariikhda. Dalalka Galbeedka badankoodu waxay adeegsadaan habka Gregorian-ka la yidhaa oo uu dejiyey Pope Gregory sannadkii 1582. Dalalkii ugu horreeyey dunida ee qaatay hab tiriska Gregorian-ka ee taariikhda na waxa ugu rSpain, Portugal, France, Poland, Italy iyo Luxemberg. Jarmalkuna wuxuu qaatay hab tiriskan taariikhda sanadkii 1775, halka Bulgaria ay qaadatay sannadkii 1917. Laakiin dalalkii ka tirsanaan jiray Soofiyeet-kii hore badankooda, Bariga Dhexe iyo Itoobiya waxay adeegsadaan habka tiriska taariikhda ee Julian-ka la yidhaa oo la dejiyey waagii uu boqortooyadii Roman-ka taladeeda hayey boqor Julius Ceacer sannadkii 45-kii. Farqiga u dhexeeya labada hab tiris na waxa weeye 13 maalmood. Chirtoph Kalin oo ka tirsan baadariyiinta Kaniisadda Orthodox-ka Ruushku ayaa sheegay in ""maalinta 25 Disember ee tirsiga Julian-ku yahay uun isla 7 January ee tirsiga Gregorian-ka"". Dalal ka haysta mad-habta Orthodox-ka qaarkood oo ay ka mid yihiin Greece, Cyprus iyo Romania waxay iyaguna qaateen hab tirsiga Julian-ka sannadkii 1923 oo waxay u dabaal degaan ciidda Kirismas-ka 25 Disember sannad walba. Qiyaastii 85% dadka Ruushka ayaa iyaguna ciiddaa u dabaal dega toddobada bisha January. Waxaa kale oo Ruushka ay isku taariikh ciidaan Kirismaska dalalka Ukraine, Israel, Masar, Bulgaria, Serbia, Belarus, Montenegro, Kazakhistan, Macedonia, Ethiopia, Eritrea, Georgia iyo Moldova. Hase yeeshee dalalku taariikhda ay ku kala duwan yihiin ka sokow waxaa jira caadooyin ay wadaagaan oo ay ka mid tahay in ciiddaa ka hor dadku ka soomaan hilibka muddo 40 maalmood ah iyo sidoo kale in habeenkaa ciidda aad loo xafladeeyo iyo in guryaha la dhigo alaabo qurux badan. Caadooyinkaa waxa ka mid ah in habeenkaa casho gaar ah la sameeyo oo 12 cunto oo kala duwan la kariyo, taas oo u taagan laba iyo tobankii xawaari ee Nabi Ciise u gargaaray. Laakiin waxa kale oo jira caadooyin u goonni ah dalal gaar ah sida Itoobiya oo kale oo dadku gashadaan dhar cad oo ay ku tagaan kaniisadaha. Dalka Serbia-na maalinta ka horraysa ciidda ayaa dadku u baxaan kaymaha oo ay laamo ka soo goostaan geed lagu qurxiyo guryaha ama suuqa ayay ka soo iibsdaan." https://www.bbc.com/somali/war-50757344 +politics Soomaaliya: Kenya waxaan ka sugaynaa jawaab ku aadan xadgudubka hawada "Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Muqdisho u fadhiya dowlada Kenya Lucas Tumbo si ay ugu gudbiso cabasho ku aadan ku xadgub hawada Soomaaliya ay ku xadgubtay diyaarad laga leehay Kenya oo isbuucii hore ka dagtay Kismaayo. Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirka loo gudbiyay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah diyaaradaasi oo waday masuuliyiin Soomaali ah oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed. ""Soomaaliya waxa ay si adag uga soo horjeedaa xadgudubkani, marna ma aqbali doonto in lagu xadgudbo xuduudaheeda cirka, badda iyo dhulka, waxa ayna ugu baaqaysaa Kenya in ay jawaab celin ka keento xadgudubkaasi xilli ciidamadeeda ku sugan Gobolka Jubada Hoose ay ka qeyb yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM"",ayaa lagu yiri war-saxaafadeedaka Diyaaraddan ayaa caga-dhigatay gegidda diyaaradaha Kismaayo iyada oo aan heysan oggolaansho rasmi ah sida war-saxaafadeedka lagu sheegay. Soomaaliya ayaa horay u soo saartay amar ah in dhammaan diyaardaha u socda iyo kuwa ka soo duula Kismayo ay Muqdisho soo maraan. Waxaana ammarkaasi uu ka dambeeyay markii madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu ku guuleystay doorasho ay dowladda federaalka ku tilmaantay mid sharci darro ah. War-saxaafadeedka wasaarada arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u aragto falkani mid ka hor'imaanaya dhammaan mabaadiida deris wanaagga iyo in dalalku ka reebtoonaadaan in faragelin gudaha ay isku sameeyaan. Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi,oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in safiirka ay u gudbiyeen warbixintii ay soo gudbisay hay'adda dulista hawada. ""Safiirka hadda jawaab u diyaarsan ma jirin oo uu bixin karo ,laakiin waxaan u gudbinay warbixintii ay soo gudbisay hey'adda duulista hawada rayidka ah ayna dowladda Soomaaliya ka walwalsan tahay arrinta dhacday "",ayuu yiri mr Cabdulqaadir. Wasiiru dowlaha ayaa waxa uu farta ku fiiqay in Kenya ay ku xad-gudubtay hawada Soomaaliya ayna tahay inay ka jawaabto. ""Waa xad-gudub hawada Soomaliyeed lagu soo xadgudbay aan ka rabno jawaab rasmi ah dowladda Kenya sidii ay u dhacday iyo in aan ka helno in mar dambe aysan dhaceyn "",ayuu intaa ku daray. Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa sheegay in haddii dowladda Kenya ay dheg-jalaq u siin waydo codsigooda ay markaas qaadi doonaan tallaabooyiin laga tashan doono. Warka dowladda fedaraalka ayaa ku soo beegmaya iyada oo shalay ay magaalada Kismaayo ka degtay diyaarad siday madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdulahi Dani iyo wefdi uu hogaaminayo,mana cadda waxa dowladda uga qorshaysan tallaabadaasi." https://www.bbc.com/somali/war-50011098 +technology Wiil 9 jir ah oo muuqaal uu ka daawaday TiKTok dartii u galay qalliin "Hooyo ayaa sheegtay in wiilkeeda oo sagaal jir ah uu nasiib u yeeshay inuu noolaado ka dib markii ay barta TikTok ku baahisay in willkeedau u baahan yahay qalliin degdeg ah oo caloosha ah. Jack Mason, oo ka yimid Stirling, UK waxay noqotay in laga saaro xiidmaha, ka dib markii uu liqay birlabyo badan oo yaryar. Muuqaalo dhex wareegayay aaladda TikTok ayaa lagu arkay carruur birlabyada noocaas ah oo afka ku haysa. Jack hooyadiis Carolann McGeoch ayaa hadda dooneysa inay waalidiinta uga digto halista ka imaan karta. Waxay BBC -da u sheegtay in waalidiinta ""ay si toos ah u geliyaan birlabyada weelka qashinka"" maadaama wiilkeeda laga saaray isbitaalka isagoo ay sugeyso ka soo kabasho dheer. Jack ayaa isbitaal la geeyay 7-dii Sebtember ka dib markii calool xanuun iyo matag isku daray. Ka dib markii computer caloosha laga saaray , shaqaalaha caafimaadka ayaa si degdeg ah ugu diray ambalaas Isbitaalka Royal ee Carruurta ee Glasgow halkaasoo raajooyinku muujiyeen in wax xannibayaan mindhicirka Jack. Carolann wuxuu sheegay in si dhaqso leh loo ogaaday in xannibaadda ay ahayd birlabyo yaryar oo halmeel isugu soo uruuray. Jack ayaa markii dambe qirtay inuu liqay birlabyada. Dhakhaatiirta ayaa u sharraxay Carolann inuu u baahan doono qalliin si meesha looga saaro birlabyada iyo wax kasta oo dhaawacaya calooshiisa, Siddeed maalmood ka dib qalliinkii, Jack ayaa hadda loo oggolaaday inuu gurigiisa aado. Hadda hooyadiis waxay rabtaa in waalidiinta kale ay fahmaan halista. In kasta oo uusan lahayn cinwaan TikTok, Jack ayaa hadana daawada muuqaallada lagu baahiyo barta. Horaantii sannadkan, NHS-ta England waxay ku baaqday in la mamnuuco birlabyada dhifka ah ee ku dhaggan alaabta carruurtu ay ku ciyaarto iyo qalabka la isku qurxiyo. England gudaheeda, 65 carruur ah ayaa u baahday qalliin degdeg ah ka dib markii ay liqeen birlabta saddexdii sano ee la soo dhaafay. Gregor Walker, oo ah dhakhtar qalliinka carruurta ah oo ku lug lahaa daryeelka Jack, ayaa yiri: ""Aad ayaan ugu faraxsanahay guusha Jack waxaanan u mahadcelinayaa dhammaan xubnaha kooxda ee Isbitaalka Royal ee Carruurta ee Glasgow. ""Waxaan sidoo kale uga mahadcelinayaa Jack hooyadiis inay arrinta ku muujisay baraha bulshada. Kordhinta wacyiga ayaa aad iyo aad muhiim u ah waxayna tani tusaale u tahay halista liqitaanka birlabka, oo u muuqda inay soo noqnoqonayeen labadii sano ee la soo dhaafay. ""Isbitaalkeenna 20% carruurta liqaysa birlab-ka waxay u baahdeen qalliin, iyadoo 10% ay u baahan yihiin qalliin weyn. ""Waxaa jira olole wacyigelin heer qaran ah oo loo marayo Hay'adda Ka -hortagga Shilalka Carruurta iyo Ururka Dhakhaatiirta Carruurta ee Ingiriiska. Farriinta muhiimka ah ayaa ah haddii aad u malaynayso in ilmahaagu liqay birlab, fadlan aad isbitaalka deegaankaaga si dib -u -eegis loogu sameeyo."" TikTok oo dacweynaysa Trump Aaminaadda TikTok, walwal makugu haysaa? TikTok oo isku dayayso inay meesha ka saarto muqaal aad loo faafiyay Aaladda TikTok ayaa sheegtay in badbaadada qof walba oo ka tirsan bulshada ay tahay midda ugu muhiimsan, gaar ahaan badqabka dhallinyarada. Waxay sheegtay in shirkaddu TikTok ay siyaasadeeda ku dartay badqabka da'yarta waxay mamanuucday waxyaabaha dhiirrigelin kara inuu khatar galo amniga dhallinyarada. Afhayeen u hadlay ayaa BBC -da u sheegay: ""In kasta oo aanan weli helin caddeymo muujinaya in arrintani ay tahay mid sii socota, haddana waxaan sii wadi doonnaa feejignaanta iyo tallaabada aan qaadno marka loo baahdo.""" https://www.bbc.com/somali/war-58607247 +health Wax ka ogow da’yarta isbeddelka ka sameysay adduunka Mararka qaar, da’yarta waxaa loo maleeyaa inaysan wax badan ka fekeri karin iyo sidoo kale inay yihiin kuwo caajis badan. Balse dhalinyaradan hoos ku xusan ayaa beeniyay arrimahaas. 1: Nkosi Johnson Nkosi Johnson waxay dhalatay sanadkii 1989 waxayna geeriyootay 2001. Nkosi waxay ku dhalatay xanuunka HIV/AIDS – oo ay ka dhaxashay waaliddiinteeda. Sanadkii 1997, waxaa laga diiday inay gasho iskuulka dowladda sababo la xiriira inay qabtay HIV. Si kastaba, waxay ahayd qofkii hormuudka ka ahaa ololaha ah in bukaannada HIV loola dhaqmo si caddaalad ah oo la mid ah sida dadka kale iyo in la xushmeeyo xilli uu jiray takoor ba’an oo lagula kici jiray dadka la nool xanuunkan. Iyada iyo hooyada soo korsatay, ayaa xarun qaxooti u furay hooyooyinka iyo carruurtooda la nool HIV. Waxay Nkosi heshay Abaalmarinta Nabadda ee Carruurta. Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa gabadhan ku tilmaamay 'inay astaan u tahay halganka nolosha.' 2: Malala Yousafzai Malala Yousafzai waxay sanadkii 1997 ku dhalatay Pakistan. Iyadoo ahayd gabar iskuulley ah, ayay iska caabbisay cabsi gelintii Taliban ee ahayd inaysan gabdhaha iskuul dhigan Karin. Waxay ka badbaadday dil kaddib markii madaxa laga toogtay waxayna noqotay qof u doodda xuquuqda aadanahay, tan haweenka iyo xuquuqda waxbarashada. Waxay xoojineysay nabadda Islaamka iyo xushmadda uu u hayo waxbarashada. Sidaas darteed, Malala waxay tusaale u noqotay halganka waxbarashada ay ugu jiraan gabdhaha ku nool dunida. 3: Samantha Smith Samantha Smith waxay ahayd ardayad u dhalatay Mareykanka kana soo jeedday gobolka Maine. Waxay dhalatay sanadkii 1972 waxayna geeriyootay sanadkii 1985. Sanadkii 1982, waxay warqad u qortay hoggaamiyihii Midowga Soofiyeetka, Yuri Andropov, iyadoo weydiineysa sababta xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Midowga Soofiyeetka uu u ahaa mid xun. Warqaddeeda ayaa lagu daabacay bogga Pravda, mar dambe ayuuna Andropov u soo jawaabay. Smith ayaa sidoo kale lagu casuumay inay booqato Midowga Soofiyeetka wayna tagtay. Booqashadeeda waxaa daba socday warbixinno badan oo laga sameeyay, waxaana Samantha laga soo xigtay inay sheegtay in dadka Ruushka u dhashay ay yihiin kuwo iyaga uun la mid ah. Sanadkii 1983, waxay booqatay Japan, iyadoo ah safiirkii ugu da’da yaraa ee Mareykanka. Waxay shil diyaaradeed ku geeriyootay iyadoo 13 jir ah. Emma González Bishii February 2018, nin hubeysan ayaa weeraray Dugsiga Sare ee Marjory Stoneman Douglas oo ku yaalla Parkland, Florida, isagoo dilay 17 qof. Balse intii uu saameyn ku yeelan lahaa weerarkaas, da’yar badan oo ka badbaadday waxay billaabeen olole qaran oo lagu joojinayo rabshadaha hubka loo adeegsado. Emma González, oo xilligaas ahayd 18 jir, ayaa ka mid ahayd hoggaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqan cusub waxayna wax ka aasaastay koox ka hadasha baahida loo qabo xakameynta hubka oo lagu magacaabo Never Again MSD. Bishii March 2018, waxay jeedisay khudbad muhiim ah oo loogu talo galay wax ka qabashada hubka ee Mareykanka. Jack Andraka Isgaoo 15 jir ah, isla markaana dugsi sare ka dhigta Mareykanka ayuu Jack Andraka hindisay waxa u muuqday hab cusub oo lagu ogaan karo kansarka ku dhaca beer yaraha. Wiilkan, oo ku guuleystay $75,000 (£58,000) Bandhigga Caalamiga ah ee Sayniska iyo Injineeriyadda sanadkii 2012, ayaa sheegay inuu fekerkna ka helay akhrinta wargeysyada sayniska ee baraha internet-ka. Qalabkan uu hindisay, oo weli baaritaan weyn lagu hayo, ayaa ka sameysan warqad la mariyay dareere laga soo qaaday dhalooyin iyo borotiin jirka ka difaacaya caabuqa, waxaana loo baahan yahay lix dhibcood oo dhiig ah si qofka looga baaro kansarka beer yaraha. https://www.bbc.com/somali/articles/c51xxp9xn56o +health Qaab halis galinaya miyay hablaha Soomaalidu u raacaan mootooyinka? "Wadamo badan oo ku yaalla Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin Uganda iyo Kenya waxaa ku soo badanaya isticmaalka gaadidka mootada laba shaaglayda ah. Kenya dadka gaadiidkan ku isticmaala waxaa ka mid ah bulshada Soomaalida ah. Darawallada gaadiidka mootada ee magaalada Nairobi ayaa la sheegaa inay helaan suuq fiican sababtana waa in ay macaamiishooda waqtiga u beekhaamiyaan maadaama inta badan waddooyinka magaaladu ay saxmad yihiin, iyo iyagoo isticmaalo waddooyin fudud halka dhaqaalaha lagu raacana uu ka hooseeya kuwa gaadiidka tagaasida. Balse mootooyinka waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin ay ka mid tahay in shilalka ay ku badan yihiin iyo qaar ka mid ah darawallada oo aanan si fiican u wadi karin mootada taas oo horseedda khasaare nafeed iyo nololeedba. Dhibaatooyinkaas ayaa waxa ay horseedeen inay soo baxaan walaac laga qabo khatarta shilalka ka dhasha raacista mootada marka ay raacayaan dumarka Soomaalida oo aan u raacin sidii loogu tala galay ee ah in laga kala rito labada lugood si mootadu ay isugu dheeli tirnaato. ''Way jiraan in gabdhaha aan Soomaalida ahayn in ay lugaha ka kala ritaan laakiin gabdhaha Soomaalida badanaa uma raacaan sidaas sababta oo ah diin ahaan uma fiicna in nin ajanabi ah aad ku dhagto ama lugaha ka ridato markaa waa in aan dinac dhinac u fadhiisto tan oo halis galinkarta naftayda, Hada ka hor ayay ila dhacday mooto dhaawac fudud ayaa isoo gaaray waan ka soo kabsaday, kama maarmo 24 saac waan raacaa'' ayey tiri Muna Saleebaan Qoordheere. Khatarta mootooyinka waxa sii kordhiya inta badan gabdhaha Soomaalida oo xidhan xijaab sabab u noqda in dharka ay xidhan yihiin uu qabsado katiinda wareejiya taayirka mootada. Walaacana kuma koobkana Soomaalida ee waxaa la qaba walaaca darawallada mootooyinka oo ka hadlay walwalka ay qabaan marka ay qaadayaan gabdhaha Soomaaliyeed. Fred 44 waxa uu ka mid yahay darawallada mootooyinka waxa uu sharaxayaa halista ay wajahaan gabdhaha Soomaalida marka ay qaadayaan: ""Dhibaatada na soo wajahdaa waxa ka mid ah in gabdhahan geesgees u raacaan mootada taas oo isu dheelitirkii mootada meesha ka saaraysa oo waxaa ugu daran marka la marayo askari jiifa iyo godod badan oo sababi kara in ay mootadu dhacdo."" Gabdhaha Soomaalida ee raaca mootooyinka waxa ka soo wajaha bulshada Soomaalida culays lagu muujinayo in laga fiican yahay in ay raacaan gaadiidkan: ""Bulshada Soomaalida waxaan kala kulannaa fowdo badan adiga oo jidka socotid ayaa lagugu qaylinaya, waxaa lagu dhahayaa ka dag mootada, qaar waxay ku leeyihiin anaga ayaa ku qaadayna waxyaabo badan ayaan kala kulanaa"" ayey Muna BBCda u sheegtay. Dhalinyaro iskood isu abaabushay ayaa waxa ay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ka bilaabeen olole ay ugu magac dareen (Badbaadi Walaashaa), ujeedkana waxa ay ku sheegeen in ay qayb ka noqdaan badbaadinta gabdhaha Soomaalida ah ee raaca mootooyinka. Cabdiwali Xiiray( Bigi Bigi) waxa uu ka mid yahay dhalinyaradaas la baxay badbaadi walaashaa, waxa uu sharaxayaa qaabka ay hablaha ula hadlaawaxa ololahan ku dhaliyay ""Dhowr siyaabood ayaan ula kulannaa, marka ay raacayso waxaan u sheegnaa in laga fiican yahay raacista mootooyinka, sidoo kale marka ay saxmadda ku jiraan waan la hadalnaa in ay ka dagto haddii ay na ogolaato waa Ok, haddii kale jeebkeena ayaan isticmaalnaa, marka saddexaad waxan la kulannaa marka ay ka dagayaan'' Cabdiwali ayaa sidaasi BBC-da u sheegay. Bulsho badan ayaa ka faa'iidaysata raacista mootooyinka oo kamid ah gaadiidka ugu badan ee laga isticmaalo magaalooyin badan oo ku yaala bariga Afrika, waaxda badbaadada gaadiidka ee (NTSA) ayaa sheegtay in sannadkii 2018 ay ku dhinteen shilalka mootada dad gaaraya ilaa 511 qof jidadka kala duwan ee magalada Nairobi." https://www.bbc.com/somali/war-49550463 +business Nin hal kalluun ah ku iibsaday ku dhawaad 2 milyan oo doolar "Nin u dhashay dalka Japan, caanna ku ah maqaaxiyo lagu iibiyo hilibka kalluunka ayaa lacag dhan 1.8 milyan oo doolar ku iibsaday kalluun aad u weyn. Ninkan ayaa kalluunka ka iibsaday bandhigga suug geynta sannadka cusub oo sanadkii ba mar lagu qabto caasimadda Tokyo ee Japan. Warbaahinta Dowladda Japan ayaa kusoo warrantay in Kiyoshi Kimura oo isugu yeera ""boqorka kalluunka"" uu maqaaxiyo badan ku leeyahay dalkaas, kalluunka uu iibsaday miisaankiisuna uu dhan yahay 276 kiilo. Kalluunkan aadka u weyn ayaa la sheegay in laga soo qabtay xeebaha waqooyiga dalka Japan, waxaana Kimura uu sheegay in kalluunka uu yahay qaali, balse uu aad ugu faraxsan yahay in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee sanadkan iibsada kalluunka ugu weyn. ""Haa, kalluunka waa qaali, waxaana doonayaa in macaamiisheena ay sanadkan cunaan kalluun dhadhan leh,"" ayuu Kimura u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Kalluunkan oo afka qalaad lagu yiraahdo Bluefin ayaa ahaa kan ugu weyn ee halkaas lo soo iib geeyay, waxaana hey'ad inta badan wax ka qorta noolasha xayawaanaadka oo lagu magacaabo World Wildlife Fund ay sheegtay in uu kalluunkaas noolaan karo muddo dhan 40 sano. Ma ahan markii ugu horeysay oo uu ninkan lacag aad u badan ku iibsaday kalluun, oo waxay ahayd sanadkii hore, xilligaas oo uu lacag badan ku iibsaday kalluun aad u weyn. Maal qabeenkan u dhashay dalka Japan ayaa sanad kahor sidan oo kale lacag dhan $3.1 malyan oo doolar ku iibsaday kalluun weyn oo ah nooca loo yaqaanno Tuna. Ninkan ayaa kalluunkaas ka iibsaday bandhigga suug geynta sannadka cusub oo lagu qabtay suuq kalluunka lagu iibiyo oo dhawaan laga furay magaalada Tokyo ee caasimadda dalka Japan. Kiyoshi Kimura, oo ah nin si iskiis ah dhaqaale uga sameeyay iibinta raashinka Japan ayaa ku caan baxay iibsashada kalluunka noocaas ah. Kalluunkan weyn ee uu hadda iibsaday oo culeyskiisu uu yahay 278kg ayaa ah nooca loo yaqaanno bluefin tuna, waana mid halis ugu jira inuu ka dabar go'o dunida. Waxa uu ku bixiyay kharash laban laab ka badan kii uu sannadkii 2013-kii ku iibsaday kalluun kale oo noocaan ah. Xilligaas ayuu Mr Kimura kalluunkaas ku iibsaday lacag dhan $1.4 malyan oo doolar. ""Waxaan iibsaday Tuna fiican"", ayuu ku yiri wakaaladda wararka ee AFP, ka dib markii uu soo idlaaday bandhigga suuqa. Dadka sida jumlada ah wax u iibiya iyo milkileyaasha makhaayadaha cuntada Japan ee Sushi ayaa inta badan lacago faro badan ku bixiya kalluunkaas oo ah nooca ugu fiican, looguna jecel yahay." https://www.bbc.com/somali/51016671 +technology Jabsashada Bogagga Internet-ka: Ninkii qiyaasay baasiwoorka Trump ee jabsaday Twitter-kiisa "Dacwad oogayaasha dalak Holland ayaa sheegay in ninkan ay u suurto gashay inuu jabsado akoonka Twitter-ka Donald Trump isagoo qiyaasay furihiisa sirta ah- ""maga2020!"" Balse ma ciqaabi doonaan Victor Gevers, oo u dhaqmayay ""si edeb leh"". Mr Gevers ayaa soo wadaagay sawirro uu ku sheegay inuu ka qaaday gudaha akoonka Mr Trump 22-kii October, intii lagu guda jiray marxaladihii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtinnimada Mareykanka. Balse xilligaas, Aqalka Cad wuu beeniyay in la jabsaday akoonka iyadoo Twitter-na uu sheegay inaysan heyn wax caddeyn ah. Aqalka Cad iyo Twitter midkoodna kama jawaabin codsiyada ku saabsan inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan. Mr Gevers ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanaa natiijada. ""Tani keliya kuma saabsana shaqadeyda balse waxay ku saabsan tahay dhammaan dadka ku tabarruca inay waxyaabo khaldan ka eegaan internet-ka,"" ayuu yiri. Baarahan aadka loo xushmeeyo ee arrimaha ammaanka internet-ka ayaa sheegay inuu baaritaan ku sameynayay akoonnada musharraxiinta sare ee doorashada Mareykanka, 16-kii October, markii uu qiyaasay furaha sirta ah ee Madaxweyne Trump. Booliiska Holland ayaa yiri: ""Ninka jabsaday isaga ayaa akoonka fasaxay. ""Wuxuu mar dambe booliiska u sheegay inuu baaray awoodda furaha sirta sababtoo ah waxaa jirtay in akoonkan Twitter-ka lala wareegi karay wax yar kahor doorashada madaxtinnimada."" Waxay sheegeen inay dowladda Mareykanka u direen baaritaankooda. Mr Gevers ayaa booliiska u sheegay inuu caddeymo badan u hayo jabsashada. Caadi ahaan, wuxuu arki karay dhammaan xogta madaxweynaha, oo ay ku jiraan: Akoonka madaxweynaha, oo ay ku taxan yihiin 89 milyan oo qof, haatan ammaankiisa waa la xoojiyay. Balse Twitter-ka ayaa diiday inuu ka jawaabo su`aalaha tooska ah ee BBC News, oo ay ku jiraan haddii akoonka si gaar ah loo sugay ammaankiisa taas oo muujin karta haddii qof kale oo furo. Horraantii sanadkan, Mr Gevers ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo baarayaasha kale ee ammaanka ay galeen akoonka Twitterka Mr Trump sanadkii 2016 iyagoo isticmaalaya furaha sirta - ""waa lagu cayriyay""." https://www.bbc.com/somali/war-55330515 +health "Coronavirus ""si fudud ayuu ugu faafi karaa"" xuduudaha isu furan" "Dalalk caalamka waxay xirteen xudduudahooda, haddana dad badan oo aan laga warqabin ayaa ku qulqulaya xudduudaha caalamka. Wadamo badan ayaana digniinno ka soo saaray faafitaanka fayraska ee aan lagu xakameyn karin xuduudaha ballaaran ee isu furan. Bishii March, in ka badan 150,000 oo u dhashay Afghanistan ayaa ka soo laabtay Iiraan, oo ka mid ah dalalka uu sida ba`an u saameeyay coronavirus - kumannaan kale ayaa maalin walba isu gudbo. Tobannaan kun oo dheeraad ah ayaa sidoo kale dhowaan ka soo laabtay Pakistan - oo ka mid ah dalalka Koofurta Aasiya ku yaalla ee uu sida ba`an ugu faafay fayraska Covid-19. Dalalkaas ayaa la daalaa dhacaya xakameynta dhaqdhaqaaqyada ka socda xudduudaha aan ammaanka ahayn isla markaana aan sharciyada ka jirin. Illaa iyo haatan, Afghanistan kama mid ah dalalka uu aadka u saameeyay fayraska, waxaa laga soo sheegay 423 kiisas iyo 14 dhimasho ah, balse qulqulkan ayaa laga muujiyay walaac ah in ay sii kordheyso tirada dadka isku gudbinaya fayraska. ""Marka la eego tirada dadka laga yaabo inay fayraska qabaan ee ka gudbay xadka, waxaan rajeynayaa in tirada kiisaska iyo dhimashada ee Afghanistan ay sare u kacdo,"" ayay tiri Natasha Howard, oo cilmiga caafimaadka dunida iyo dagaallada ka dhigta Jaamacadda National University ee Singapore. Haddii ay jiraan koror kiisaska ah, sida aan ku aragnay Mareykanka, Spain iyo Talyaaniga, waaxaha caafimaadka ee ay dagaalladu saameeyeen ee Afghanistan, waxay gebi ahaanba noqon doonaan kuwo aan xakameyn Karin fayraska. Abdul Maez Mohammadi iyo qoyskiisa waxay Iiraan ku noolaayeen muddo siddeed sano ah. Balse kaddib markii madaxa shirkadda dhismaha ee uu ka shaqeynayay uu joojiyay mushaarka uu siiyo, wuxuu soo kaxeeyay xaaskisa, walaalkiis iyo wiilkiisa oo hal sano jira, wuxuuna soo aaday dalkiisa. Waxay toddobaadkan ka soo gudbeen xadka Islam Qala iyagoo gaaray Herat, halkaas oo aan laga diwaan-gelin waxayna u sii gudbi doonaan xaafaddooda oo ay maamulaan ururka Taliban, halkaas oo aysan ka jirin adeegyo caafimaad. ""Xaaladda ka jirta Iiraan ee Covid-19 aad ayay khatar u tahay waxaana maqlay inaysan jirin meel la geeyo kiisaska,"" ayuu yiri Mr Mohammadi. Xadkan labada dhan kama laha xarun karantiil. Maamulka gobolka ayaa sameeya baaritaan caafimaad oo guud, balse waxaa ka badan tirada dadka. Herat ma laha qalabka baaritaanka Covid-19 oo ku filan, natiijada ayaana qaadata afar ilaa shan maalin, waxaase laga yaabaa in dadka la baaray aysan sugin natiijada oo ay xaafadahooda aadaan. Mr Mohammadi ayaa sheegay inuu ku qasban yahay in marka uu xaafaddiisa ku laabto uu shaqo bilaabo, balse wuu ogyahay inay tahay inay taxadaraan. ""Waa inaan gacmaha iska dhaqnaa marka aan soo kacno, oo aan cadeysannaa saddex jeer maalintii, isla markaana aan ka fogaanno isu imaatinnada waaweyn. Waa inaynaan aadin xaafadaha deriska ah, cuntadana waa in si fiican loo kariyaa,"" ayuu yiri. Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), oo qeyb ka ah Qaramada Midoobay, ayaa sameysay xarrumo gargaar bani`aadannimo loogu sameeyo dadka u gudbaya Afghanistan. Aziz Ahmad Rahimi, oo ah agaasimaha sare ee IOM ee gobolka Herat, ayaa sheegay in marka ay arkaan qof ay ka muuqdaan calaamadaha fayraska Covid-19 ay u gudbiyaan isbitaallada gudaha. 10-15 qof ayaa illaa iyo haatan laga helay fayraska sida uus heegay. Xaalad taas la mid ah ayaa ka jirta xadka Pakistan. Dowladda Afghanistan ayaa ka codsatay xukuumadda Pakistan inay xadka furan si loogu oggolaado inay dalkooda ku soo laabtaan dadka u dhashay Afghanistan ee go`doomay kaddib markii ay Pakistan xirtay xadkeeda. Dowladda ayaa sheegtay in illaa 1,000 ay maalintiiba u oggolaan doonaan inay xadka ka gudbaan, balse waxaa la sheegay in 20,000 ay ka gudbeen xadka Chaman labadii maalmood ee la soo dhaafay, taas oo ku qasabtay in dowladda ay meesha ka saarto shuruuddeeda ayna keliya u oggolaato in dadka haysta waraaqda aqoonsiga saxda ah ay ka gudbaan xadka. Dowladda Afghanistan ayaa muddo 14 maalmood ah Torkham ku karantiishay 4,000 oo qof oo Afghanistan u dhashay, balse waxaa ka batay tirada dadka. Guud ahaan 60,000 oo qof ayaa u gudba Afghanistan muddo saddex maalmood gudahood ah, sida ay sheegtay IOM. Muuqaal aan la xaqiijin oo ay warbaahinnadu soo dhigeen baraha bulshada ayaa lagu arkayay dad ku soo xoomaya xadka iyagoo aan saraakiisha tuseynin waraaqahooda aqoonsiga. Dadkaasina waa kuwa maraya baraha koontaroolka ee rasmiga ah. Sannado badan waxaa jiray dad si sharci darro ah uga kala gudbaya Afghanistan iyo Pakistan - tiradaas way adagtahay in la daba galo. Arrintan ayaa horseedday in hay`adaha gargaarka iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya gobolka ay digniin ka soo saaraan faafitaanka coronavirus ee xudduudaha. Haddii sida ay ka baqayaan ay kiisasku sii kordhaan toddobaadyada soo socda, sida ay Afghanistan ula tacaali lahayd tiradaas ayaa abuuraysa walaac maaddaama dalalka horumaray ee adeegyada caafimaad ee tayada leh ee ay la daalaa dhacayaan xakameynta xanuunka. Wasaaradda caafimaadka bulshada ee Afghanistan ayaa saadaalineysa in illaa 16 milyan oo ka mid ah 30-ka milyan ee bulshada dalkaas ay qaadi karaan fayraska, sida ay ka soo xigatay WHO. Waheedullah Mayar, oo ah afhayeen wasaaradda, ayaa sheegay in arrinta ugu daran ay tahay in illaa 700,000 oo qof ay u baahnaan doonaan in isbitaalka la dhigo, halka 220,000 oo ka mid ahna ay u baahan karaa daaweynta qeybta xaaladaha degdegga ah. Sidoo kale 110,000 oo tiradaa ka mid ah ayaa u dhiman kara Covid-19. Guud ahaan isbitaallada Afghanistan waxaa yaalla 10,400 oo sariiro ah. Gobolka Herat, qiyaastii waxaa yaalla ilaa 12 oo qalabka bukaannada ka caawiya neefsashada ah. ""Afghanistan ma yeelan doonto tiro badan oo sariiro ah xitaa 10-ka sano ee soo socda,"" ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in waaxaha caafimaadka ay diiradda saarayaan tallaabooyinka ka hortagga. Kabul waxaa gebi ahaanba saaran bandow, isu imaatinnada bulshada ayaana laga mamnuucay Herat. Balse bulshada dalkaas, waxay badankooda qabaan xanuunno hore sida qaaxada, kansarka iyo sokorta waxaana jira illaa 2.5 milyan oo carruur oo nafaqo darro ay haysato, sida ay sheegtay hay`adda gargaarka ee Save the Children. Balse haddii ay xaaladda Afghanistan ay sidaas u xun tahay maxay dad badan u doonayaan inay dib ugu soo laabtaan? Badankood waxay ka soo cararayaan xanuunka Covid-19 ee ka dillaacay Iiraan iyo Pakistan bandowga ayaana ciriir geliyay fursadaha dhaqaale. Dadka ayaa sidoo kale ka cabsi qaba inaysan halkaas ka heli karin daaweyn caafimaad. ""Ra`yiga dadka soo laabanaya ayaa ah, haddii aan dhimanayo waxaa fiican inaan dalkeyga ku dhinto,"" ayuu yiri Mr Rahimi. Khubarrada qaar ayaa aaminsan in haatan laga daahay xakameynta faafitaanka fayraska ee gudaha Afghanistan. Waxaana aad u yar caawinaadda laga heli karo beesha caalamka oo iyaguba la daalaa dhacaya fayraska." https://www.bbc.com/somali/war-52229201 +politics Muran ka taagan daanyeerkii dadka loo maleeyay ee la daldalay "Madaxa dowladda hoose ee deegaanka Hartlepool ee dalka Ingiriiska ayaa diiday eedeymaha in maamulkiisa uu astaan ku dul dhajiyay taallo ka turjumeysa daanyeer si sharraxaad looga bixiyo sababta loo dhigay halkaas. Taas oo looga gol lahaa in la sharoxo in taalada daanyeerka aanan looga jeedin sababo cunsurinimo, balse tahay astaan dhacdo labo boqol sano hadda ka hor dhacday. Taallada ayaa ka turjumeysaa daanyeer la sheegay in looga shakiyay in jaajuus uu ahaa Faransiiska kaas oo la dal-dalay horraantii sanadihii 1800s. Afahayeen u hadlay maamulka dowladda hoose ayaa sheegay in taallada lagu dhajinayo astaan sharraxeysa taariikhda daanyeerka si dadka booqashada ugu tego halkaas ay ula socdaan. Daanyeerkan ayaa la sheegay in uu ahaa noolihii kaliya ee ka badbaaday markab Faransiisku lahaayeen oo badweynta ku caariyay, balse maxaa dhacay kadib? Dadkii xilliggaas ku sugnaa magaalada ayaa dal-dalay daanyeerka iyaga oo u maleynayay in uu yahay sirddoon Faransiiska ah maadama aanay weligood xilliggaas ka arkin arkin daanyeer ama qof Faransiis ah, sida ay wararka sheegayaan. Dadka deegaanka waxaa loogu garan og yahay ""dadka dal-dala daanyeerka"" , iyada oo magaaladana astaan looga dhigay daanyeerka, iyada oo sidoo kale kooxda ciyaaraha magaalada astaanteeda tahay boombale daanyeer loo ekeysiiyay. Madaxda dowladda hoose qaarkood ayaa BBC-da ku yiri ""Waxaan ka shaqeynaynaa sidii astaan sharraxaad ka bixineysa taallada daanyeerka loo dhigi lahaa goobta taas oo dan ugu jirto dadka soo booqda halkaas"" ""Wax cabasho ah oo aan kala kulanay ma jirin arrinta taallada, waxay naga caawisay tallaabadan in aan uruurino £2,000 oo lacagta giniga ah oo ay ah lacagtii ay bixiyeen dadka soo booqda halkaas. Hase yeeshee MShane Moore oo ah madaxa dowladda hoose ee magaalada ayaa diiday qorshaha ah in qoraal taalada sharaxaad ka bixinaya lagu dhejiyo, isaga oo ku dooday in aysan ahayn in wax kasta laga eego dhanka isirka, isaga oo shaqaalaha dowladda hoose xusuusisay sharci horey loo meelmariyay oo dhigayay in aanan waxbo laga badeli karin astaamaha iyo magacyada horey u jirey ee magaalada. Wuxuu intaasi ku daray in la joogo xilligii loo dabaaldegi lahaa muhiimadda magaalada iyo horumarka ay gaartay, xilli magaalada ay heshey daqli dhan £25 milyan oo lacagta dalkaasi ah." https://www.bbc.com/somali/war-57409526 +technology Sidee loo sameystaa dad badan oo ku taxnaada bartaada Instagram? "Edwin Lane wixii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay Instagram-ka waxaa uu ku jiraa saacad ka yar, durbaba waxaa uu helay oo like saartay ama laga helay inkabadan kun jeer. Aad ayaa ugu faraxsanahay, waana sawir aan ka qaaday baasto aan ku qadeeyay oo aan dusha sare ka sawiray, durbaba waxaa arkay dad aad u badan. Hasayeeshee xaqiiqda waxaa ay tahay in dadka sida dhabta ah uga helay sawirka aan so dhigay ay gaarayaan saddex qof oo keliya, oo kun kalena ay yihiin been abuur. Likes-ka been abuurka ah waxaa ii sameeyay nin lagu magacaabo Dries Depoorter, kaas oo aad ugu takhasusay arrimaha tiknolojiyadda. Barnaamijka uu adeegsaday ayaa lagu magacaaba Quick Fix- waa barnaamij ama App qofka u sameynaya in dad badan ay ku taxnaadaan akoonkiisa, sidoo kalena ay ka helaan waxyaabaha uu soo dhigo. Ninkan ayaa dadka ka qaata lacag aan sidas u bandeyn. Waxaa uu sameeyay akoono badan oo been abuur ah, kuwaas oo qofka ka caawinaya in ay si toos ah ugu xirnadaan akoonkiisa, kana helaan waxwalba oo uu soo dhigo. ""Dhab ahaantii waxaan heystaa kumanaan akoono oo been abuur ah, kuwaas ayaana kugu taxmaya ama ka helaya waxyaabaha aad soo dhigto,"" ayuu yiri. ""Waa in aad ogataa in waxa ka soo muuqanaya shaashadda taleefoonkaaga aysan ahayn wax jira oo sax ah"". Been abuurka Dries waxaa uu sameynayaa ciwaano been abuur ah iyo kuwa like saara waxyaabaha dadka ay soo dhigaan, taas oo qeyb ka ah tiknolojiyadda casriga ah ee xiligan. Wuxuu arrintan u sameeyay si uu u helo lacag. In badan oo ka mid ah dadka isticmaala aaladda Instagarm-ka, waa kuwa heysta caanimo aan waxba ka jirin oo loo farsameeyay sidan oo kale. Marka aad barta wax laga raadiyo ee Google aad ku dhufato daka kaa caawin kara arrintan, waxaa kuu soo baxaya xarumo badan oo doonaya in ay kaa caawiyaan sidii aad u heli lahayd Likes been abuur ah, kuwaas oo dhaqaale ka sameeya tallaabadan. In aad hesho kun qof oo kugu taxnaato waa in aad bixisaa 10 doolar ilaa iyo inta u dhaxeysa 15 doolar. Arrintan ayaa waxaa ay keentay in shirkadaha waaweyn ee caalamka ay lacag ku bixiyaan Instagarm-ka, si ay u helaan dad badan oo arka sawirada badeecadaha ay soo dhigayaan baraha bulshada, kuwaa oo balaayiin doolar ka hela alaabta ay halkaas ku iibiyaan. Su'aashu se waxay tahay ma khasaaro ayay ku jiraan madaamaa kumanaanka been abuurka ah ee ay soo iibsanayaan ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin. Andrew Hogue oo ah cilmi baare ku takhasusay arrimaha tiknoljiyadda, kana shaqeeya barnaamij lagu ogaado inta Likes ee been abuur ah ee uu qofka heysto ayaa sheegay in 20-30 boqolkiiba dadka saameynta ku leh Instagaram-ka ay yihiin kuwa iibsaday Likes iyo followers been abuur ah. ""Waxaad iga dhigtaa qof saameyn leh"" Weriye ka tirsan BBC-da oo u kuura galay Instagram-ka been abuurka ayaa arrintan ogaaday kadib markii uu isku dayay in uu noqdo qof saameyn ku leh Instagarm. Wuxuu sheegay in uu talo ahaan ugu tegay Harry Hugo, oo ka mid ah asaasayaasha shirkad inta badan dadka ama shirkadaha ka caawisa in ay saameyn ku yeeshaan baraha bulshada. Markii uu u tegay ayaa waxaa lagu yiri ""waxaad u baahan tahay shan kun oo qof oo kugu taxnaato"". Harry waxaa uu ciwaankiisa @londonpastaguy soo dhigay sawiro muujinaya isagoo cunaya baasto. Mudo yar kadib, waxaa u arkay dad badan oo kusoo biiray ama Followers u noqday. Dadka samaeynta ku leh Instagarm-ka ee caalamka ayaa la sheegaa in intooda badan ay yihiin kuwa heysta taageerayaal been abuur ah, dhaqaale badan ka sameeyaa, maadaama ay ku xayeysiiyaan dharka, kabaha iyo badeecadaha kale ee ay soo saaraan shirkadaha waaweyn." https://www.bbc.com/somali/war-50484124 +sports Rashford oo sameeyey guddi caawinaya carruurta gaajeysan "Ciyaaryahanka Marcus Rashford ayaa sameeyay guddi-hawleed oo ay ku jiraan qaar ka mid ah shirkadaha cuntada ee ugu waaweyn Britain si ay isugu dayaan inay gacan ka geystaan yareynta saboolnimada iyo gaajada carruurta. 22 sano jirkaan weerarka uga ciyaara kooxda Manchester United ayaa si guul leh ugu ololeeyay in ballaadhiyo mashruuc cunto bilaash lagu siin doono ardeyda dugsiyada. Wuxuu kahadlay waaya aragnimadiisa gaarka ah ee ku aaddan cunto la'aanta iyo in si wadar ah wax la isula cuno ee markii uu yaraa, waxaana lagu amaanay inuu dowlada ku cadaadiyay in ay arrintan qayb ka ahaato. Wuxuu warqad u qoray mudanayaasha baarlamaanka, isagoo faahfaahinaya caawinta uu dareemayo in qoysaska qaar wali ay u baahan yihiin. Kooxda ka kooban hay'adaha samafalka iyo ganacsatada dukaammada - oo ay ku jiraan Aldi, Asda, Co-op, Deliveroo, FareShare, Food Foundation, Iceland, Kellogg's, Lidl, Sainsbury's, Tesco iyo Waitrose - waxay sameeyeen guddi-howleed isla markaana waxay taageereen soo-jeedintii ka timid Istiraatiijiyadda Cuntada Qaranka, dib-u-eegis madax-bannaan oo ku saabsan siyaasadda cuntada ee Boqortooyada Midowday (UK). Rashford wuxuu sheegay inuu ""kalsooni ku qabo"" in kooxdu ay gacan ka geysan karto sidii nolosha carruurtaas loogu beddeli lahaa ""si ka wanaagsan"" sida hadda xaal yahay. Isaga oo la hadlay waaxda BBC Breakfast, wuxuu sheegay in tallaabada lagu kordhiyay cuntada dugsiyada bilaashka ah ee xagaaga ay ahayd ""xal muddo gaaban"" oo carruurta gaajo laga ilaalinayo, laakiin ""ma socon doonto mustaqbalka fog"". ""Waxay ahayd inaan ka fikirno sida ugu wanaagsan ee aan ku sameyn karno, sida qoysaskan ay cunto u heli karaan waqti dheer,"" ayuu yiri. Mr Rashford wuxuu rajeynayaa inuu helo, koox weyn oo khubaro ah oo ku hareeraysan, kuwaas oo ka caawiya si uu u caawiyo carruur farabadan. Guddi-hawleedku waxay ugu baaqeen seddex talo-bixin oo siyaasadeed oo ay soo jeedisay haayadda Istaraatiijiyadda Cuntada Qaranka si ay u maalgeliso dawladda sida ugu dhakhsaha badan. Guddi-hawleedku waxay leeyihiin fulinta saddexda talo waxay astaan u noqon doontaa ""tallaabo midaynaysa aqoonsiga xalka muddada fog ee saboolnimada carruurta ee Boqortooyada Midowday""." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-53987382 +sports Maxay tahay sababta loo joojiyay tartankii kubadda ee gabdhaha Somaliland? "Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa hakisay tartan ciyaaraha kubadda cagta ah oo maanta lagu waday in magaalada Hargeysa looga furo kooxaha gabdhaha ah ee gobollada Somaliland. Wasaaradda Ciyaaraha, oo soo saartay amarka, ayaa sheegtay in hannaanka ciyaarahaas lagu waday uu yahay ""mid hareer marsan shareecada Islaamka iyo dhaqankaba"". Agaasimaha ciyaaraha ee Somaliland, Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin, ayaa BBC-da u sharraxaysababaha ay tartankaas u baajiyeen. ""Horta Wasaarad ahaan waxaan dhiirrigalinnaa in wiilasha iyo gabdhuhu ay helaan fursado isku mid ah oo dhinaca ciyaaraha ah, laakiin aan baal marsaneyn shareecada Islaamka. Waa in habluhu ay meel asturan ku ciyaaraan, waa in aysan raggu daawanin, waana in aan muuqaalladooda la baahinin oo aan lagu arkin telefishinnada iyo baraha bulshada,"" ayuu yidhi. Tallaabada ay qaadeen ayuu ku tilmaamay mid ku timid xad gudubyo lagu sameeyay sharcigii loo dajiyay tartanka kubadda cagta ee gabdhaha Somaliland. ""Runtii waxaa isbaddalay arrintii. Waxaa tartanka loo sameeyay xayeysiis, waxaa lagu wareystay hablihii, waxaa dhex joogay wiilal ciyaaryahanno ah oo dhahaya gabdhaheenna waxaan u taageereynaa sidii ay noo taageeri jireen, arrintaasna waa mid sharciga baar marsan. ""Waxaa kale oo baraha bulshada lasoo dhigay sawirro iyo muuqaallo muujinaya gabdhihii oo xiran saraawiil gaagaaban, taas ayaana keentay in la joojiyo tartanka, ilaa inta waxyaabaha qalloocan la toosinayo,"" ayuu yidhi Agaasimaha ciyaaraha ee Somaliland, Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin. Wuxuu agaasimaha intaas ku daray in amarka kasoo baxay wasaaradda ciyaaraha loo cuskaday xeerka. ""Dastuurka Somaliland wuxuu dhigayaa in wax kasta oo shareecada islaamka ka hor imaanaya in aaney bannaaneyn oo in la sameeyo aaney ahayn, arrintaasi way qalloocatay waana toosineynaa hadduu Alle idmo,"" ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Xarunta tartanka loogu qabanayay gabdhaha gobollada ee ciyaara kubadda cagta ayaa furneyd tan iyo sanadkii 2017-kii. Wararka qaar ayaa sheegaya in gabdhaha tartanka isku diyaarinayay aysan wax xad gudub ah ku sameynin sharciga is asturidda, sawirrada ay maamulka qoonsadeenna ay yihiin kuwo ay faafiyeen dad kale oo aan iyaga ahayn. Lama oga waqtiga uu tartankaas dib u billaaban doono, laakiin agaasimaha ciyaaraha ayaa sheegay in amarka lagu joojiyay uu ku xiran yahay ilaa inta waxyaabaha khaladan ee uu sheegay laga saxayo." https://www.bbc.com/somali/war-55356051 +politics Maxaad ka taqaanaa tuulada ‘ashqaraarka leh ‘ ee dalkeedii ka soocantay? Turtuk waxay qeyb ka ahayd dalka Pakistan ilaa 1971,-dii markaas oo ciidanka Hindiya ay qabsadeen tuulada intii u socday dagaal xadduuded eek a dhacay khadka kala qeybiya labada dal. Turtuk aad bay u adagtahay in la tago, bugcaddan yar waxa ay ku taalaa dhammaadka fog ee dooxada Ladakh ee Nubra ee woqooyiga Hindiya. Waxaa mara webiga Shyok iyo buuraha dhaadheer ee silsiladd buuralayda Karakoram. Waxaa ku hareereysan dhagxaan soo ruqruqaysa , waxaana jirta hal waddo oo laga galo, loogana boxo. Waxaase muuqaalkeeda ka xiiso badan taariikhdeeda la yaabka leh, oo ah in ay tahay tuulo dalkeedii ka luntay. Halka intiisa kale gobolka Ladakh ay degaan dad haysta diinta Buudiistaha ee loo yaqaan Tibetans, tuuladan Turtuk waxaa dega qoowmiyadda dadka reer Baltis oo ah dad muslimiin ah , waxayna isku dhaqan yihiin bulshada ay isku isirka yihiin ee degen gudaha dalka Pakistan. Xaqiiqdii Turtuk waxay qayb ka ahayd Pakistan ilaa 1971, -dii markaas oo ciidamadii Hindiya ay qabsadeen intii lagu guda jiray dagaal xuduudeed o ay kula dagaallamayeen kuwa Pakistan Khadka kala qeybiya labada dal Xakamaynta, oo ah khadka muranka badan dhaliyay ee ka socda meelaha ugu sarreeya uguna adag ee buuraleyda. Hindiya waligeed maysan soo celin tuulada sababtoo ah walaac laga qabo amniga xudduudaha. Dadka u dhashay oo ku maqnaa booqashada asxaabtooda ama arrimo shaqo maalintaas la qabsanayay, waligood dib dambe uguma aysan soo laabanin halkan. Hindiya ayaa xirtay aagga oo si joogto ah. Si kastaba ha noqotee, aagga xadka ayaa xasilloonaa tobankii sano ee la soo dhaafay, iyada oo 2010 -kii Turtuk loo furey in ay dalxiisayaasha tagi karaan. Dadka meesha degen waxa ay guryaha ka dhistaan dhagxaan, iyaga oo beeraha ku waraabsada habka waraabka oo qadiimi ah. Turtuk waxa ay ku taalaa bugcad aad u hooseysa marka laga hadlayo kala saraynta dhulka, taas oo ka dhigan in xilliyada kuleelaha uu halkan heerkulka gaari karo meelaha ugu sareeya, sidaasi darteed dadka deegaanka waxa ay isticmaalaan nooc dhagaxa ka mid ah oo soo jiidaya jawi qaboow oo la dugaashan karo. Habkan dabiiciga ah ee qaboow ayaa waxa uu xitaa u suurtogaliyay in ay ku kaydsadaan hilibka, qudaarta iyo waxyaabaha kale ee uu kuleelka durba qurmin karo. Waxaa meeshan ka baxa geedo u eg nooca baxarsaafka, kuwaas oo leg hadh qaboow, hase yeeshee waxa kale oo ay beertaan nooc qamadiga ka mid ah. Waxa kale oo ay bulshadan beerataa nooc ka mid ah looska oo ay tuuladan aad caan ugu tahay. Shaqada tabcashadu aad ayay u adagtahay, hase yeeshee sannadkii oo dhan dalag ayay soo gurtaan, waana dhul barwaaqo ah marka lala barbardhig buuraha qarfaha ah ee ku xeeran. In kasta oo ay jirto xaqiiqda ah in Hindiya iyo Pakistan ay wali ku muransan yihiin Kashmir, nolosha halkan si nabadgelyo ah ayay ugu jirtaa. Dadka tuulo joogga ah waxaa la siiyay kaararka qoonsiga Hindiya waxaana laga muwaadiniin kadib la wareegistii 1971, -dii iyo dabcan dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu casriyaynayo dooxada Nubra, waxaa loo samaynayaa waddooyinka wanaagsan, adeegyada caafimaadka iyo gaadiidka, iyo sidoo kale kor u qaadista dalxiis oo ka dhigan in waqtiyo badan oo barwaaqo ah uu kusoo fool leeyahay Turtuk. Si kastaba ha noqotee, lama dareemayo in meel Hindiya ka mid ah la joogo. Dhirta meeshan ka baxday, masaajidada Noorbakshi, guryaha dhagaxa ah iyo kanaalada waraabka - iyo sidoo kale suxuunta dhaqameedyada Balti oo lagu dubo hilibka loo yaqaan 'yukat', hilib khudaar iyo 'balay', oo ah maraq ay ku jiraan baastada waaweyn - waxay tuulada ka dhigayaan mid dhaqan ahaan weli ku xiran bulsho weynta Baltik ee Pakistan. Tuuladu waxay si gaar ah ayay u qurxoon tahay xilliga deyrta, marka safka geedaha ubaxa ay midabkooda beddelaan oo ay bixitaan ubaxyo wanaagsan, taas oo bedesha muuqaalka il qabadka leh. In kasta oo tuulooyinka kale ee ku yaala dooxaha Nubra ay dhagxaan ka samaysanyihiin, ma jirto mid u dhiganta Turtuk marka la eego sida lakabyada dhadhaabta isu dulsaaranyihiin iyo noocyadooda kala duwan. Xitaa waxa ay adkaysi u leeyihiin dhul gariirada had iyo jeeraale ku dhufta dhulkan. Meeshani ma ahan oo kaliya goob dadka ay barteen sidii nabad ugu wada noolaan lahaayeen, iyaga oo ku jira duruufo adag, ee sidoo kale waa meel kobaceeda iyo kor u kaceeda uu badanyahay. Dadkan waxa ay weli daacad u yihiin cuntooyinkoodii dhaqanka, iyo waxyaabihii asalka ahaa inkasta oo ay lumiyeen dalkoodii. Haddana waaba kuwa ka fikiraya mustaqbalka maadaamaa adduunka oo dhan uu soo booqanayo. https://www.bbc.com/somali/war-49248635 +health Maxaad kala socotaa dalka kaalinta koowaad qaarada Afrika kaga jira Feyriska Corona? In ka badan nus malyuun qof ayaa imika la xaqiijiyay in dalka Koonfur Afrika uu haleelay feyriska Corona, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka dalkaasi. Zwelini Mkhize ayaa ku dhawaaqay in Sabtidii oo kali ah dalkaasi laga helay 10,107 oo kiis oo cusub, taasi oo tirada guud ka dhigtay 503,290. Waxaa sidoo kale cudurka dalkaasi ugu dhintay dad gaaraya 8,153 qof. Dalka Koonfur Afrika ayaa noqonaya dalka sida ba'an uu ugu dhuftay feyriska Corona marka la eego guud ahaan qaarddda Afrika. Guud ahaan tirada dadka uu haleelay feyriska Corona qaaradda ayaa kala bar waxay ku nool yihiin dalka Koonfur Afrika . Sidoo kale Koonfur Afrika ayaa kaalinta shanaad kaga jirta caalmka dhanka tirada kiisaska oo waxaa ka horeeya oo kali ah Mareykanka, Brazil, Ruushka iyo Hindiya. Khubarada dhanka caafimaadka ayaa sheegaysa in tirada dhabta ah ee feyriska Corona ugu dhimatay Koonfur Afrika laga yaabo in ay ka sareyso inta imika la ogyahay. Saraakiisha caafimaadka dalkaasi ayaa waxay sheegeen in tirada dadka uu soo ridanayo feyriska ay aad sare ugu sii kacaysay muddooyiinkii u dambeeyay islamarkana kiisas badan laga helayo magaalada, Pretoria. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa xayiraad lagu soo rogay bilihii April iyo May taasi oo la sheegay inay gacan ka geysatay hoos u dhigidda in cudurka uu sii faafo. Toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii hay'adda caafimadka aduunka ee WHO waxay ka digtay in dalka Koonfur Afrika in ay hormuud u noqon doonto dhanak feyriska guuda haan qaaradda. https://www.bbc.com/somali/war-53626664 +technology 'Sida uu sawir aan qaaday u halleeyay telefoonno badan' "Gaurav Agrawal, oo ah seynisyahan sidoo kale sawir qaade ah oo ku nool magaalada San Diego, wuxuu aamini waayay markii uu si lama filaan ah u arkay sawir uu qaaday xagaagii lasoo dhaafay oo qabsaday hadal-heynta wararka caalamka. Wuxuu sawirkaas bishii August ee sanadkii 2019-kii ku qaaday harada St Mary ee ku taalla xerada xayawaanka duur doogta ah ee Glacier National Park, taasoo ku taalla gobolka Montana ee dalka Mareykanka. Wuxuu sawirray muuqaal gabbaldahc ah oo aad u qurux badan. Waa sawir qaade laakiin wax lacag ah kuma iibiyo sawirrada quruxda badan ee uu sameeyo. Sidaas awgeed, sawirkii wuxuu soo dhigay bar lagu daabaco sawirrada oo lagu magacaabo Flickr, halkaas ayuuna uga haray. Hase yeeshee, cillad lama filaan ah oo sawirka raacday ayaa sabab u noqotay in telefoonno badan oo shaashaddooda la saartay ay hallaabaan. Cilladda waxay ka socotay dhinaca seynisyahanka sawirkaas lahaa. Telefoonnadii sawirkaas lagu shubay oo dhan waxaa khasab noqotay in xogtii ku jirtay oo dhan laga masaxo, si dib loogu hagaajiyo. Isbuucii lasoo dhaafay, qoraal Twitter-ka lasoo dhigay oo arrintaas ku saabsan ayaa si weyn u faafay - sidaas awgeedna, Mr Agrawal wuxuu lasoo xiriiray BBC-da. ""Ma jiro wax aan u sameeyay si ula kac ah,"" ayuu yiri. ""Waan ka murugeysanahay in dad badan ay arrintaas dhibaato kala kulmeen."" Cilladdan waxay u muuqataa inay telefoonnada qaar halleyneyso, laakiin ma aha dhammaan telefoonnada ay shirkadaha kala duwan soo saaraan. Si kastoo ay ahaataba waxaa lagaaga digay inaad tijaabiso. ""Wuxuu ahaa gabbaldhac sixir ah,"" ayuu yiri Mr Agrawal oo BBC-da uga warramayay galabta uu sawirkaas qaaday, isagoo xaaskiisa la joogay xerada xayawaanka duur joogta ah. Wuxuu ahaa safarkoodii saddexaad oo ay halkaas ku tagaan, iyagoo ujeeddadooduna ay ahayd inay helaan sawir cajiib ah. ""Cirku wuxuu ahaa casaan, daruuro isdul saaranna way ka muuqdeen, waxaana isku raacnay inaysan jiri karin mar ay sidaas ka qurux badan tahay xilliga ay qorraxda dhaceyso. Waan ka tagnay goobtii markii uu muuqaalkii isbaddalay."" Sawirkaas quruxda badan wuxuu ku qaaday kaamiradiisa, oo nooceedu yahay Nikon, markii dambena xoogaa ayuu sawirkii tifaftiray isagoo adeegsanaya mid ka mid ah adeegyada tiknoolojiyadda ee loo yaqaanno software-ka. Waa halkaas meesha ay cilladda ka raacday sawirka, inkastoo seynisyahanku uu sheegay inuusan ka warqabin waxa dhacay. Software-ka uu adeegsaday oo lagu magacaabo Lightroom wuxuu sawirrada u yeelaa saddex midab oo kala nooc ah, kuwaasoo ku kordhiya bilicda. Mid ka mid ah midabbadii uu Mr Agrawal qaatay ayaan la shaqeynin barnaamijka ay ku shaqeeyaan telefoonnada Android-ka qaarkood. Sababta uu ku fahmi waaay cilladda waxay ahayd maadaama uusan waligiis isku dayin inuu tijaabiyo. ""Ma aanan ogeyn in habka aan adeegsaday uu dhibaatadan keeni doono,"" ayuu yiri. ""Aniga waxaan heystaa iPhone, shaashaddana mar kasta waxaa ii saaran sawirka xaaskeyga."" Mr Agrawal wuxuu taageerayaal ka badan 10,000 ku leeyahay barta sawirrada lagu daabaco ee Flickr. Sawirro iyo muuqaallo uu horay u sameeyay waxaa isticmaalay majalladda caanka ah ee National Geographic. ""Waxaan jeclaan lahaa in sawirka aan qaaday uu baraha bulshada ku faafo isagoo sabab wanaagsan wata, laakiin waxaa laga yaabaa taas inaysan hadda ahayn oo mar kale ay dhici doonto,"" ayuu yiri. ""Hadda kaddib waxaan isticmaali doonaa qaab kale oo aan sawirrada ku qurxiyo.""" https://www.bbc.com/somali/war-53010388 +sports Ciyaaryahan caan ah oo gaari uu watay ku burburiyay makhaayad qaxwada laga cabo Mid ka mid ah ciyaartoyda kubadda cagta oo ku eedeysnaa inuu gaari uu watay oo noociisu yahay Bentley jiirsiiyay makhaayad qaxwada laga cabo ayaa lagu helay dambigaas. Ciyaartoygan ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu shilku ka dhacay, uuna ku guul darreystay inuu sugo inta laga ogaanayay khasaaraha uu geystay, laakiin qeybo ka mid ah burburka gaarigiisa uu goobtaas uga tagay. Jordon Ibe, oo 24 jir ah, kana tirsan kooxda Bournemouth oo ka ciyaarta horyaalka Premier League-ga ee dalka Ingiriiska ayaa 30-kii bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay shilkaas ku galay meheradda lagu magacaabo The Pantry, taasoo ku taalla xaafadda Bromley ee magaalada London. Horay wuxuu u qirtay inuu si taxadar la'aan ah u kaxeynayay gaariga, laakiin waxaa lagu helay dabi ah inuu ka cararay goobta uu shilka ka dhacay, sida laga sheegay maxkamad isniintii dhageysaneysay kiiskiisa. Ibe ayaa laga mamnuucay inuu leysinkiisa gaari ku kaxeeyo, waxaana xukunkiisa lagu dhawaaqi doonaa 3-da bisha March. Garsoorka maxkamada ayaa dhageystay in ciyaaryahanka uu gaarigiisa ku dhuftay darbiga meheradda, ka dibna uu kusii dhuftay gaari kale oo halkaas yaallay, iyadoo shilkaasina uu dhacay xilli aroor hore ah oo ay saacaddu ku beegneyd 04:50, wakhtiga maxalliga ah. Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in qeybo ka mid ah gaariga Ibe, oo noocu yahay Bentley midabkiisu cadyahay lagu arkay burburkii meheradda dhexdiisa, kaddib markii uu isagu halkaas ka tagay. Maxkamada ayaa sidoo kale loo sheegay in maamulka meheradda ay dayactir ku sameeyay qeybaha hore ee aasaasiga ah, si ay nabadgalyada macaamiishooda u xaqiijiyaan. Jonathan Morrissey, oo ah qareenka difaacayay ciyaartoyga ayaa sheegay uu wakhti ku filan sugay shilka kaddib, balse uu waayay cid la xaaltanta ama ay macluumaad kala qortaan, markaas kaddibna uu iska baxay. Ibe ayaa heshiis u saxiixay kooxda AFC Bournemouth sanadkii 2016-kii, markaasoo uu uga soo wareegay kooxda Liverpool. Waxaa lagu soo warramay in heshiiskiisa uu ku kacay lacag dhan £15m. https://www.bbc.com/somali/war-51463169 +politics "Xildhibaan Lauren Boebert oo Ilhan Cumar ku tilmaantay ""argagixiso""" "Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay hadal ay jeedisay Lauren Boebert oo ay isku gole ka tirsan yihiin lagana soo doorto Colorado. Muuqaal laga duubay Boebert oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa waxa ay si kaftan ah argagixisanimo ugu eedaysay dhiggeeda Ilhan. ""Aniga iyo mid kamid ah shaqaalaha xafiiskeyga ayaa waxaan soo wada raacnay wiish ku yaal xarunta baarlamaanka ee Capitol, kadibna waxaan si degdeg ah kusoo galay askari walaacsan,"" ayay tiri xildhibaankan looga bartay inay taageerto kooxaha midigta fog. ""Bidix ayaan eegay, kadibna waxaan arkay Ilhan Cumar. Waxaan tilmaamay in aysan wadan boorso [qarax sida] oo uu xaalku caadi yahay,"" ayay u tiri si kaftan balse jees jees ah. Waxa ay intaa raacisay inay la hadashay Ilhan oo ay ku tiri ""eega, maanta kooxdii Jihaad-ka ayaa soo shaqa tagtay."" Ilhan Cumar oo barteeda Twitter ugu jawaabtay ayaa sheegtay in sheekada Boebert ay tahay mid khiyaali ah oo aanay jirin meel ay isku arkeen ""Xaqiiq, doqontan hoos ayay eegtaa marka ay igu aragto xarunta baarlamaanka, waa sheeko khiyaali ah oo ay samaysay,"" ayay tiri Ilhan. Trump oo weerar hor leh oo afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar Ilhaan Cumar oo hab cusub ugu soo rogaal celisay Trump Ilhaan Cumar oo dalbatay in la baadho arrin lagu sameeyay muslimiin xabsi ku jira Xildhibaan Ayanna Pressley oo ay xulafo yihii Ilhan ayaa hadalka Lauren Boebert ku tilmaantay mid ceeb ah, dulmi ku dheehan yahay isla markaana khatartiisa wata. ""Waa Islaam-naceyb kale oo si toos ah loola beegsaday Ilhan. Waa hadal wax dhimaya, khatarna ku ah xildhibaan Ilhan iyo bulshada Muslimka. Waa in la cambaareeyo hadallada noocan, laguna xisaabtamo cidda tiraahda,"" ayay barteeda Twitter ku qortay Pressley. Boebert ayaa todobaadkii hore dhaleeceyn xooggan la kulantay kadib markii ay Ilhan Cumar ugu yeertay xubin ka tirsan ""kooxda Jihaad-ka"" xilli ay ka hadlaysay congress-ka. Ilhan oo kamid ah labada gabdhood ee ugu horreeyay ee iyagoo Muslim ah loo doorto Congress-ka ayaa xulafo ka dhigatay dumar xildhibaanno ah oo isku tilmaana inay yihiin hor-u-socod. Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu xusuustaa hadalladii xanafta lahaa ee uu ku beegsan jiray xildhibaan Ilhan Cumar." https://www.bbc.com/somali/war-59426713 +technology Ma basaas ayaad jeebka ku wadataa? "Dad badan, ayaa teleefoonada caqilka ah ee smartphone-ku waxa ay u yihiin daaqad ay kala socdaan caalamka. Bal kawarran se haddii uu halis ku yahay noloshaada khaaska ah? Waligaa ma kuugu soo dhacday xaqiiqada ah iin basaas uu jeebka uugu jiro? Bal qiyaas haddii dadka wax jabsadaa ay software ama barnaamijyada wax basaasa ku shubtaan telefoonkaaga kaas oo galaangal u siinaya in ay la socdaan wax kasta oo adiga kuugu saabsan? Waa hagaag, taasi ma ahan wax lala yaabo, waxaana jira caddaymo muujinaya in uu jiro barnaamij software ah oo loo adeegsado in lagu daba galo saxafiyiinta, dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo garyaqaanadda ku sugan daafaha caalamka. Balse su'aashu waxay tahay yaa arrintan sameeya? maxay se u sameeyeen? maxaase laga qaban karaan basaaskan jeebka inoo ku jira? Mike Murray waa Khabiir ku takhasusay ammaanka kombuutaradda iyo shabakadaha oo ka hawlgala sharikadda Lookout oo ku taal San Francisco, oo ah sharikad caawisa xukuumadda, iyo ganacsatada si ay telefoonadoodu ammaan u ahaadaan. Waxa uu sharxayaa sida uu u shaqeeyo oo uu u horumarsan yahay barnaamijkaan basaasnimada loogu talagalay. Barnaamijkan Software ka ah ayuu sheegay in sida hubka uu u khtar badan yahay, waana in iibkiisa la adkeeyaa. ""Qofka adeegsanaya barnaamijkan software-ka ah waxa uu kaa raadin karaa GPS,"" ayuu yidhi Mike. ""Waxa ay maamuli karaan microphone-ka iyo camera-da taleefonkaaga, waxayna ku aaddin karaan meesha ay rabaan, waxay sidoo kale duubi karaan waxay doonaan oo hareerahaaga ka dhacaya. Waxa ay sidoo kale galaangal u yeelan karaan App kasta oo baraha bulshada aad ku isticmaashid, waxaa softaware kaas lagu xadi karaa dhammaan sawirradaad, telefoonada kuu jira, xogta calender-kaaga, Email kaaga iyo dukumentiyada ama warqadaha kasta oo aad haysatid"". ""Waxa uu telefoonkaagu isu baddalayaa aalad wax lagu dhagaysto, waxayna kula socon karaan waxa kasta oo aad ku hawllan tahay"" ayuu yiri. Barnaamijka wax lagu basaaso ee Spyware sannado badan ayuu jiray, balse saas oo ay tahay waxaan galaynaa duni cusub. Halkan waxaan ku sharaxeynaa tusaalooyin dhacay oo muujinaya sida khaldan ee loo adeegsan karo Taleefoonada gacanta Ninka daroogada ka ganacsada ee u dhashay dalka Mexico, El Chapo wuxuu ahaa nin hanti badan leh oo ammaankiisa na aad u ilaaliya. Hasa yeeshee markii uu ka fakaday xabsiga wuxuu baxsad ahaa lix bilood, oo ay ilaalinayeen koox ay xiriir leeyihiin, wuxuuna isgaarsiin ahaan u adeegsan jiray taleefoon ay adag tahay in waxbadan laga ogaado oo la dabagalo. Balse Dowladda Mexico ayaa la sheegay inay soo iibsatay qalab casri ah oo horumarsan, kaas oo u suurtagaliyay inay xog ka helaan kuwa ka ag dhaw isaga oo kadiban u sahashay in isaga gacanta lagu dhigo. Qabashadiisa waxay muujisay sida barnaamijyadda tiknolojiyadda ay muhiim u yihiin sida looga hortagi karo argagixisada iyo fal dambiyeedyada qorsheysan, noolasha dad badan na la badbaadin lahaa haddii shirkadaha tiknolojiydadda ay waxbadan ka ogaan lahaayeen taleefoonada ay adag tahay in loo dhaco. Axmed Mansuur oo ah nin caan ka ah bariga dhexe, kana shaqeeya arrimaha xuquuqul insaanka ayaa in muddo ah ba waxaa bartilmaameedsanayay dowladda Imaraatka. Sanadkii 2016-ka wuxuu helay farriin uu ka shakiyay, kadibna wuxuu la wadaagay sheybaarka caanka ah ee darsa arrimaha Tiknolojiyadda. Shirkadda The Citizen Lab ooadeegsaneysa taleefoon kale oo iphone ah ayaa waxay gujiyeen tixraac loo soo diray Axmed, balse waxay la kulmeen arrin ka yaabisay. Waxay arkeen in taleefoonkii ay adegsanayeen xog badan laga la baxayo oo la maamulanaya ba. Taleefoonada iPhone oo la sheego inay yihiin kuwa ay adag tahay in loo dhaco ama la jabsado ayaa barnaamijka spyware wuxuu muujiyay in nidaamka shirkadda Tiknolojiyadda ee Apple ay wali wax ka khaldan yihiin, waxaan taas ay keentay inay dib u habeyn ku sameyaan taleefoonada ay sameyso shirkadaas. Ilaa iyo hadda ma cadda waxa laga la baxay taleefoonka Mansuur, balse markii dambe waa la xiray oo waxaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah. Safaaradda Imaraatka ee London ayaa BBC-da u sheegtay in laamaha ammaanka ee dalkaas ay marwalba u hogaansamaan shuruucda caalamiga iyo kuwa u gaarka ah dalkaas, balse kama aysan hadlin arrimaha la xiriira sirdoonka dalkooda. Bishii Oktoobar ee sanadkii 2018-ka, wariye Jamal Khashogg ayaa waraaqo u doontay safaaradda Sacuudiga ee Istanbul, balse dib uma soo noqonin oo waxaa dilay Dowladda Sacuudiga. Nin ay saaxiibo yihiin Khashoggi oo lagu magacaabo Cumar Cabdulaziz, ayaa sheegay in taleefonkiisa loo dhacay, arrintaas na looga shakiyay Dowladda Sacuudiga. Waxaa uu sheegay in taleefoonka Khashoogi ee loo dhacay ay dowr weyn ku lahayd dilkiisa, maadaama Dowladda dalkaas aysan ku qnaacsanayn qaabka uu u taxliilin jiray siyaasadahooda. Dadka aqoonta gaarka ah u leh Tiknolojiyadda waxay qabaan fikir ah in sida kaliya ee arrintaas looga hortagi karo ay tahay in la hindiso barnaamij boqolkiiba boqol aanan la jabsan karin, waxaana haddii taas laga meel gaaro ay shegeen in aysan jiri doonin dadka ka dacwooda in xogtooda loo dhacay." https://www.bbc.com/somali/48770459 +sports Tacsida Mohamed Salah ee Boqoraddii Ingiriiska oo dhalisay dood adag Xiddigga reer Masar, Mohamed Salah, ayaa dood ballaaran ka dhaliyay baraha bulshada kaddib markii uu Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ugu baroor-diiqayay Boqorad Elizabeth II, arrintaas oo keentay in weeraryahanka kooxda Liverpool uu noqdo qof ay dadka qaar dhaliilaan qaar kalena ay difaacaan. Xiddigga ayaa qoraalka uu Twitter-ka ku baahiyay waxa uu u dhignaa “Maanta, dadka Ingiriiska iyo dunida oo dhan waxay u baroor-diiqayaan oo ay sagootiyeen Haybadley Boqorad Elizabeth II, waxaana la xusay sooyaalkeedii iyo adeeggeedii aan hagrashada lahayn. Waan la damqanayaa qoyska boqortooyada maalintan taariikhiga ah ee ay murugadu ku laran tahay”. Dadka dhaliilay Mohamed Salah Hase yeeshee qoraalkaa Salah sahal looma qaadan, waxaana ka dhashay falcelin ballaaran oo kumaannaan qof ay aragtiyo ka dhiibteen, kuwaas oo u kala qaybsamay qaar isaga dhaliilaya iyo kuwo difaacaya. Dadkaas qayb badan oo ka mid ah waxay muujiyeen sida ay uga caraysan yihiin qoraalka Salah ee Twitter-ka, waxayna ku eedeeyeen xiddigga reer Masar inuu “iska indho-tiray xaqiiqooyinka taariikheed ee soo maray xiriirka Masar iyo Ingiriiska”. Halka kuwo kalena ay qabeen in ay habboonayn in xiddigga “aanu ka hadal arrin ay dad badan oo Masaari ah u arkaan inuu yahay mid ay doodi ka taagan tahay oo uu iska dhaafo inuu tacsi ka diro geerida Boqorad Elizabeth sidii uu dhacdooyin horeba uga aamusay oo kale”. Waxa ay dadka qaar isweydiiyeen “dadka uu doonayay inuu la hadlo Salah ee uu isku oggolaysiinayo qoraalkaas uu Twitter-ka ku qoray kuwa ay yihiin” maaddaama “qayb weyn oo ka mid ah taageereyaasha Liverpool ay ka soo horjeedaan boqortooyada Ingiriiska” waa sida ay yiraahdeene. Qof kale oo Twitter-ka qoraal ku faafiyay ayaa isaguna Salah ku canaantay inuu yahay qof matala Carabta saamayntiisuna ay tahay mid weyn, sidaas awgeedna ay isaga la tahay in “aan wax cudurdaar ah loo helayn xiddigga reer Masar maaddaama uu isagu faraha la galay arrin aan lagu dirqin”. Dadka difaacay Mohamed Salah Dhanka kale, waxaa jiray dad badan oo difaacay ciyaartoyga reer Masar, kuwaas oo dhaleeceeyay “ololaha abaabulan” ee waa sida ay u dhigeene lagu qaaday. Aragtiyada dadka qaar waxay ka mideysneyd in waxa “uu sameeyay Salah uu yahay wax ka dhashay bani’aadannimadiisa iyo meeqaamka uu ku leeyahay shacabka Ingiriiska dhexdiisa”. Qaar kalena waxay Salah ku tilmaameen inuu yahay “shakhsiyad magac ku leh bulshada Ingiriiska”, waxayna qabeen in “tacsida uu diray markii ay Boqoraddu geeriyootay ay tahay arrin dabiici ah”. Qof kale ayaa isna sheegay in aanu arkin sabab “ay dadku uga caroodaan tacsida Salah ee geerida Boqoradda dalka isaga iyo qoyskiisaba u suurtageliyay shaqada, guusha iyo ixtiraamka”. Weriye Cumar Al-Banuubi ayaa ka dalbaday dadka dhaliilaya Salah in ay faraha ka qaadaan maaddaama uu yahay “xirfadle ciyaarta kubbadda cagta ah oo aanu ahayn halgamaa siyaasadeed, sidoo kalena aanu ahayd wadaad diimeed”, wuxuuna intaas ku daray “Mohamed Salah ha saarina wax aanu u xil saarnayn”. Halka dadka qaar kalena ay ku jeesjeeseen dadka dhaliilay isaga in ay “taageeraan kooxda Liverpool oo ay jecel yihiin Horyaalka Ingiriiska, haddana ay ku dhaliilayaan Salah inuu tacsi ka diray geeridii Boqoradda Ingiriiska oo ay ku eedeeyaan inuu taageerayo gumaysigii [Ingiriiska ee dalkooda]”. Dadka qaar ayaa iyaguna la yaabay murankan ka dhashay qoraalka Salah ee Twitter-ka, halka “muran kan oo kale ah aan laga keenin tacsi qoraal ah oo Sheekha Al-Azhar, Axmed Al-Dayib, uu diray maalintii ay geeriyootay Boqoraddu”. Dhaliilo hore oo loo jeediyey xiddigga reer Masar Dhaliilaha hadda loo soo jeediyay ciyaaryahanka Liverpool ma aha kuwii ugu horreeyay, waxaase hore u dhacday in hore loogu dhaleeceeyay in uu “la daahay dhaleeceynta duqayntii ay Israel ku qaadday Gaza bishii May ee hore” iyo sidoo kale qoraal “uu markaas kaddib Twitter-ka ku baahiyay - oo lagu tilmaamay mid aan cidna toos u sheegayn- kaas oo uu ku dalbaday in dhibaatada dadka aan waxba galabsan lagu hayo la joojiyo, isaga oo aan sheegin dhibaatadu waxay tahay iyo cidda aan waxba galabsan ee uu sheegayaa kuwa ay yihiin”. https://www.bbc.com/somali/articles/cjm2849x17lo +politics Khilaafka doorashada: Go'aanka Midowga Afrika muxuu uga dhiganyahay dowladda Soomaaliya? "Golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika waxa ay ku baaqeen in ergay gaar ah oo ka socda ururka loo magacaabo ismari-waaga doorashada ee hadda ka taagan Soomaaliya, si uu isgu keeno dhinacyada Soomaalida. Ka dib kulankii ay shalay yeesheen ee ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya, waxay xalay soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda ku aadan doorashada Soomaaliya. War-murtiyeedka oo ka koobnaa 14 qodob, Midowga Afrika wuxuu ku cambaareeyay go'aankii Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ee mudda kordhinta ugu sameeyeen madaxwaynaha. Midowga Afrika ayaa sidoo kale madaxda Soomaalida ugu baaqay in ay ka wada-xaajoodaan sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in go'aanka Midowga Afrika ee la xiriira ismari-waaga siyaasadeed ee hadda ka taagan dalka uu yahay mid adag, marka loo fiiriyo habka ay uga hadleen, taas oo ah wax aan horey looga fileynin. Dr Jibriil Cali Aw Maxamed, oo wax ka dhiga jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in arrintaan ay waji gabax ku tahay dowladda Soomaaliya. ""Runtii, marka hore dowladda Soomaaliya arrintaan waxay ku tahay waji gabax, waayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga ayaa u safray dalka Koongo, si uu ula kulmo guddoomiyaha Midowga Afrika, isaga ayaana codsaday in Afrika ay arrinta soo kala dhex gasho,"" ayuu yiri Jibriil oo BBC-da u waramayay. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay soo dhoweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowrka fududeynya, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay. Arrintan waxay soo baxday kaddib markii, dhawaan wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu booqasho ku tegay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, Kinshasa, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa, Madaxweyne Felix Tshisekedi, oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika. Dr Jibriil Cali Aw Maxamed ayaa qaba in booqashadii Madaxweyne Farmaajo ee Koongo, iyo kulankaas uu dhigiisa la yeeshay, ay qasbayso in uu hadda u hoggaamsamo warka ka soo baxay Midowga Afrika. ""Haddii dowladda ay ku adkeysan lahayd 'innagu dal Qaran ah ayaan nahay oo hay'addaha yaga ayaa wax maareeynaya innagaa heshiineyna', wa alaga haybsan lahaa, laakin maadama uu qoor dhiibtay oo uu yiri 'Afrika ayaa arrinta fududeynaysa' hadda wuxuu ku qasban yahay madaxweynaha inuu raaco,"" ayuu yiri Jibriil. Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay si toos ah ugala Wareegeen Ciidamada AMISOM, istiraatiijiyada iyo howlgallada lagula dagaallamaya Al-shabaab, isla markaana looga saarayo deegaannada ay haystaan. Balse hadalka ka soo baxay Midowga Afrika ee ah in ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaayada ciidamada ammaanka Soomaaliya, waxay u muuqtaa arrintaa isbadel ku dhacayo. ""Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Soomaaliya ay la wareegeen hormuudnimada, oo howlgallada ay noqdeen in dowladda Soomaaliya ay yeeriso qaabkii loo galayo, goorta la galayo iyo halka laga qaayo. Arrintaas in dib looga noqdo ayay ka dhignaanaysaa in AMISOM ay isha ku hayso oo ay la socoto ciidamada siday u baxayaan iyo goobta la gaynayo,"" ayuu yiri Barafasoor Jibriil. Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor inta aan la soo saarin war-muriyedka Midowga Afrika, waxay dalalka Kenya iyo Jabuuti ku eedaysay in ay wadaan 'olole ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya oo ay sheegtay in ay ka dhex wadaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.' Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo ka hadlayay Taleefishinka Qaranka ayaa tilmaamay in ay hayaan xog xasaasi ah oo xaqiijinaysa in labadaan dal ay ""soo jeedinayaan qodobbo ay doonayaan in lagu daro"" bayaanka uu guddiga Midowga Afrika kaga arrinsanayay Soomaaliya. Wasiirka maaliyadda dowladda Jabuuti, Ilayaas Muuse Dawaaleh, oo bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal ayaa sheegay: ""Aad iyo aad ayaan uga niyad jabay ugana xumaanay in aan ka maqlo wasiir sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo mar labaad ku celinaya eedaymo been abuur ah. ""Wuxuu Jabuuti ku eedaynayaa in ay ku lug leedahay xiisadda siyaasadeed ee xilligaan ka jirta Soomaaliya. Aan caddeyo, Jabuuti uma qalanto eedaymahaas oo kale"". Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, ma ahayn mid sidii hore u wanaagsan. Sidoo kale xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa aad u sii xumaaday tan iyo markii xiriirka diblumaasiyadeed uu go'ay ee sannadkii hore. Dhawaan ayey aheyd markii Golaha Shacabka ee Soomaaliya uu ansixiyay qaraar uu muddo labo sano ah xilka ugu kordhinayay dowladda, waxaa meel aad xasaasi u ah gaartay xaaladda siyaasadda Soomaaliya iyadoo hadda khilaafka doorashada u dhidibada sii aasanayo. Wadahadalladii ugu dambeeyay ee ka socday teendhada Afisiyoone ayaa natiijo la'aan ku so dhamaaday markii dhinacyada ay isku afgaran waayeen hannaanka wada xaajoodka, wax tanaasul ahna la heli waayay. Kulan uu Golaha Shacabka Soomaaliya yeeshay 12-kii bishan ayuu ku go'aamiyay in muddo laba sano ah la siiyo dowladda uu wakhtiga ka dhamaaday 8-dii bishii February. Madaxwayne Farmaajo ayaa isna saxiixay qaraarka mudda kordhinta ee uu Golaha Shacabku meel mariyay, taas oo ahayd tallaabo la wada filayay. Madasha Badbaado Qaran oo ay ku midoobeen siyaasiyiinta mucaaradka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrinta muddo kordhinta, balse dhamanatood waxaa ay ka simanyihiin in ay diideen go'aanka golaha shacabka. Waxay go'aankaas ku tilmaameen waxba kama jiraan. Waxay sidoo kale sheegeen in go'aankaas uu khatar ku yahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya iyo tan dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka mid ah Madasha Badbaado Qaran, qoraal uu maamulkiisu soo saaray waxaa lagu sheegay in tallaabo uu qaadi doono haddii ay dhici waydo in miiska wadahadalka la isugu soo laabto. Waxay intaa ku dareen in ay la wadaagi doonaan go'aannada ay qaataan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka." https://www.bbc.com/somali/war-56858563 +technology UK: Garoonkii ugu horreeyay ay kusoo degaan baabuurta duusha oo la furayo "Garoonkii ugu horreeyay ee dunida laga hirgeliyo kaas oo ay kusoo degi doonaan baabuurta duusha iyo diyaaradaha Drones-ka korontada ku shaqeeya ayaa laga furay dalka UK, haddii ay guul ku dhammaato arrintani waxaa dhici kartaa in dunida laga dhiso kumanaan kale oo garoonka ah. Garoonkan waxaa laga dhisay magaalada Coventry, waxaana loogu talagalay inay ku degaan ama ka kacaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee korontada ku shaqeeya iyo tagaasida duusha, garoonkana laftiisa wuxuu ku shaqeeya unugyo shidaal maadada Haydarojiin ah. Waxaana mashruucan iska kaashaday dowladda hoose ee Coventry iyo shirkadda laga leeyahay UK ee Urban Air si loo muujiyo isticmaalka awoodda iyo dhaqdhaqaaqa hawada magaalooyinka si loo yareeyo saxmadda iyo wasakhowga hawada. Shirkadda Hyundai laanteeda dhanka gaadiidka hawada ayaa baabuur duula u dirtay halkaas kaas oo lagu soo bandhigi doono garoonkan diyaaradaha. Shirkadda duulimaadka ee Urban Air ayaa sheegtay in caqabadda ku hor gudboon in la sameeyo diyaarad koronto ku shaqeyso ay tahay in aan la hayn kaabayaashii ka qeyb qaadan kara dhaqangelinta mashruucaas. Air-One waxaa loogu talagalay inay si buuxda u madax-bannaanaato isla markaana ay horseedo in baabuurta korontada ku shaqeeya si buuxda uga mid noqdaan gaadiidka dadweynaha. Dhammaan mashruuca Coventry wuxuu qaatay 15 bilood oo kaliya laga bilaabo qorshayntiisa ilaa dhamaystirkiisa. Isagoo ka hadlayay furitaanka garoonka, aasaasaha shirkadda Urban Airport ayaa yiri, ""waa marxalad cusub oo ku saabsan gaadiidka kaas aan laheyn wax saxmad ah, si fudud ayay isaga kala gooshi doonaan, qorshaha oo ay dadka ku farxi doonaan isla markaana ah mid nabdoon"" Maadama ay suuqa qabsan doonaa mustaqbalka, tagaasida duusha iyo Drones-ka waa in loo sameeyo garoomo yar yar oo ku degi karaan, si magaalooyinka ay uga yaraadaan saxmadda iyo ciriiriga ka dhasha aaladahaas. Garoomadan wuxuu horraan qorshaha ahaa in loo bixiyo 'Skyports' si dadka dalbada ay uga qaadaan goobahaas. Shirkadda Joby Aviation ee fadhigeedu yahay gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa hormuud ka ah dadaallo lagu sameeynayo tagaasida duusha, ayaa waxay horraan sameysay ilaa 1,000 tijaabo ah oo ku saabsan tagaasida duusha ee loo yaqaano eVTOL. Waxay shirkaddan ku rajo wentahay in waaxda duulaamdka Mareykanka ay ka heli doonto ogolaansho iyo ansixin ku saabsan howlgelinta tagaasida duushada si howshan u bilowdo sannadka 2024. Maxaad ka ogtahay Teknooloojiyadda qofka weyn dhalinyaro ka dhigeyso? Shirkadaha Apple iyo Samsung oo isku maran Ma-nooleyaal badeli doona 20 milyan oo shaqaale bini'aadam ah Tagsiga duulaya ee ay tijaabisay shirkaddan wuxuu qaadi karaa ilaa afar qof oo rakaab ah, wuxuu jari karaa masaafo dhan 322km saacadiiba. ""Waxaan saadaalineynaa in adeegeena dhanka hawada ee tagaasida ay isaga kala gooshi doono goobaha dadka ay ku badan yihiin sida magaalooyinka iyo xarumaha shaqo,"" ayuu yiri Oliver Walker-Jone, oo ah afhayeen u hadlay shirkadda Joby. ""Waxaan la shaqeyneynaa maamulada magaalooyinka si adeegyadeena uu ugu xirnaado gaadidyada kale, si garoomadeena looga ag dhiso tareenada, garoomada diyaaradaha iyo goobaha kale"". Khuburrada waxay ka digayaan dhowr caqabadood oo soo wajahi kara mustaqbalka tagaasida duusha, gaar ahaan dhibaatooyinka ka dhalan kara garoomada ay ka duuli karaan. ""Iyadoo adeegan uu ina xusuusinayo filimkii The Jetsons, inta aanan la gaarin ka miro dhalinta qorshahan, waa in la eegaa dhowr caqabadood oo ku hor gudboon arrintani,"" waxaa sidaas tiri Jennifer Richter, oo ah qareen ka howlgasha Mareykanka oo ku takhasustay sharciyada la xiriira Drones-ka iyo takaasida duusha. ""Waxaan ka mid ah caqabadahaas, in marka hore ay dadweynaha aqbalaan adeegan; in si xowli ah loo soo saaro; in la xoojiyo awoodda iyo maaliyadda kaabayaasha la xiriira adeegan iyo in la hormariyo maamulka hawada ee adeegan,"" ayay tiri Jennifer Richter." https://www.bbc.com/somali/61289174 +entertainment Atariishada Hindiya ee ay dhimashadeedu kicisay duufaanta "Dhimashada gabadhan atariishada musalsallada jileysay ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha dalka Hindiya, sababtuna waxa ay tahay xaaladda geerideeda iyo xadhigga saaxiibkeedii hore iyadoo ay jiraan eedeymo la xiriira jahwareerin diimeed. Tunisha Sharma ayaa meydkeeda la helay 24-kii Diseembar iyadoo ku jirtay musqul ku taal Dastaan-e-Kabul  oo ah halka ay bandhigeeda Alibaba ku samaynaysay. Maalin ka dib, Atariishada ay wada shaqaynayeen iyo saaxiibkeedii hore ee Sheezan Khan ayay booliisku xireen ka dib markii Sharma hooyadeed ay ku eedeysay ""ku lug lahaanshaha isdilkeeda"", taasoo uu diiday. Chandrakant Jadhav oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa saxaafadda u sheegay in Sharma ay nafteeda goysay, islamarkaana ay baarayaan waxa ku kalifay inay sidaa sameyso. Geerida gabadhan 20-jirka ah ayaa ka yaabisay fanka Hindiya ee dhanka madadaalada waxay ahayd xiddig soo baxday oo taageero weyn ku lahayd baraha bulshada. Saacado yar ka hor dhimashadeeda, waxay soo dhigtay Instagram-ka sawir iyada ah oo ay ku qoran tahay ""dadka xamaasaddu waddo [ma] joogsadaan"". Qoraalkan ayaa yeeshay wax ka badan 800,000 oo falcelin (likes) iyo kumannaan faallooyin ah, iyadoo taageerayaashu ay muujinayaan naxdinta ku saabsan geerideeda lama filaanka ah oo ay la yaaban yihiin sida qof u muuqda ""mida aad u fraxasan uu u qaadi karo tallaabo noocan oo kale ah"". Dhacdadan naxdinta leh ayaa saxaafaddu si waali ah u qaadaa dhigtay, iyadoo nolosha atariishada iyo xidhiidhadeedii diirad gaar ah lagu saaray. Bogagga wararka tooska ah ayaa daqiiqad-daqiiqad u daabacayey warar cusub oo ku saabsan dhinac kasta oo ka mid ah baaritaanka booliiska. Waxaana qof kasta oo ka soo jeeda asaagii Sharma iyo saaxiibadeeda iyo qoyskeeda ugu dhowaa laga qaaday waraysiyo, taasoo keentay sheekooyin badan oo mala-awaal iyo sheegasho aan la hubin u badan. Sharma waxay ku dhalatay magaalada Chandigarh ee waqooyiga Hindiya, Waxaanay ku riyoon jirtay inay noqoto atariisho tan iyo yaraanteedii. Xataa 13 jir maanay u buuxsamin markii ay bilawday jilista bandhigyada TV-yada, si tartiib tartiib ah ayay u soo gashay shaashadda weyn iyadoo doorar yar yar ku jishay aflaamta ay jileen jilayaasha caanka ah ee Bollywoodka sida Katrina Kaif iyo Vidya Balan. Laakiin guusha ay ka gaartay shaashadaha yaryar ayaa keentay caannimadeeda. Atariishada ayaa soo jishay doorar kala duwan bandhiggeedii u dambeeyay ee ay dhiirigelisay sheekadii dhaqanka ee Ali Baba iyo afartan tuug, waxay jilaysay kaalinta ‘amiirad boqortooyo’. Balse inkasta oo nolosheedu u muuqatay mid soo jiidasho leh, atariishada da'da yar waxay la halgamaysay sidii ay ula qabsan lahayd. Wareysiyo hore, waxay kaga hadashay la dagaallanka niyad-jabka iyo walaaca iyo la-dagaalanka walwalka ee shaqada iyo baraha bulshada. Ka dib markii qoyskeedu ay dhimashadeeda ku eedeeyeen Khan, oo 28-jir ah kaas oo wax ka jilayey filimka, ayaa la soo xiray 25-kii Disembar wuxuuna weli ku jiraa xabsiga garsoorka. Hadal heynta warbaahinta ayaa sidoo kale gaartay Khan noloshiisa iyo waqtigii uu xabsiga ku jiray. Way sii socotay in kasta oo ay ka digayeen khubarada sharciga in xogaha aadka u baahay ee ku saabsan kiisaska ee aan dhammaan xaqiiqooyinkooda la ogeyn ay caqabad ku noqon karto baaritaanka iyo in ay wax u dhimi karto eedaysanaha iyo ixtiraamka qofka dhintay. Wararka ayaa sheegaya in Sharma iyo Khan ay wada socdeen dhowr bilood balse booliska ayaa sheegay in lamaanahan ay kala tageen 15 maalmood ka hor geerideeda. Waxay yiraahdeen kala taggooda ayaa Sharma geliyey "" walbahaar aad u daran"" waxaana looga shakiyay ""in uu gaarsiiyey cadaadis ah heer ay isdisho"". Booliska ayaa dhowr qof su’aalo ka weydiiyay kiiska, waxa ayna sidoo kale sawireen dhowr bog oo ah wadasheekaysiyo WhatsApp ku dhexmaray Sharma iyo Khan. Waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen Khan in uusan la shaqeyn baaritaanka eedeymahan oo qareenka jilaagu beeniyay. Dacwadda damiinashada jilaaga ayaa lagu wadaa in sabtida la dhageysto . Qareenkiisa ayaa sheegay inuusan wax dambi ah lahayn. Qoyska Khan iyo Sharma ayaa saxaafadda la wadaagay xog ku saabsan xiriirka lammaanahan iyagoo sidoo kale eedaymo is waydaarsanaya. Vanita, oo ah hooyada dhashay Sharma, ayaa ku eedeysay Khan inuu khiyaameeyay gabadheeda waxayna ku eedaysa in uu dhimashadeeda ka dambeeyay. Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay ka shakisay in gabadheeda “la dilay” waxayna ku eedaysay Khan in aanu isla markiiba wicin ambalaas kadib markii uu helay maydka gabadheeda. Isniintii, Khan walaashiis, qareenkiisa iyo hooyadiis ayaa ka hadlay shir jaraa'id halkaas oo ay ku diideen dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay Khan ee ah inuu Khan adeegsaday daroogo, ama uu u gacan qaaday Sharma. Waxay sidoo kale eedeymo dhowr ah u soo jeediyeen Vanita Sharma, iyagoo sheegay in xiriirka ay la leedahay gabadheeda uu ahaa ""mid xun"", oo ah inuu ""xakameynayay nolosha iyo dhaqaalaha [gabadheeda]. Qoyska Sharma ayaa beeniyay ""dhammaan eedeymaha"" waxayna sheegeen inay si faahfaahsan uga jawaabi doonaan goor dhow. Gabdhaha la dhashay Khan ayaa sidoo kale ku adkeystay in niyad-jabka Sharma uu yahay mid ay “ka timid dhibaato caruurnimadeedii” oo aysan wax lug ah ku lahayn kala tagga ay Khan kala tageen oo ay sku tilmaameen inuu ahaa mid labada dhinacba si wada oggol ah ku kala tageen. Sida laga hayo Sharma qudheeda, waxay xiriir fiican la lahayd Khan iyo qoyskiisa. Hal bil ka hor geerideeda, waxay soo dhigtay sawirka Khan Instagram-ka halkaasoo ay ugu yeertay ""Ninka ugu quruxda badan noloshayda"". Bishii Disembar, waxay sawirro la wadaagtay mid ka mid ah walaalaha Khan, iyadoo ku tilmaantay ""qofka aan ugu jeclahay"". Waxa musiibada dabka kusii shiday ayaa ahaa hadal haynta diiradda lagu saarayey in Sharma ay ahayd Hindu halka Khan uu ahaa Muslim. In kasta oo Mr Jadhav, oo ah sarkaalka booliiska, uu u sheegay wakaaladda wararka ee ANI in ""ma jirto xagal diimeed oo soo ifbaxday"" intii uu socday baaritaanka, haddana garabka midig ee Hinduuga ayaa dhimashadeeda diinta u tiirinaya. Xubno ka tirsan kooxaha midigta fog ee Hinduuska, oo uu ka mid yahay xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee xukuma India, ayaa ku eedeeyay in kiisku uu yeelan karo xagal ""jacaylka jihaadka"" oo ah erey kooxaha Hinduuga xagjirka ah ay u adeegsadaan inay kor u qaadaan eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn oo ah in ragga Muslimiinta ahi ay guur diinta uga beddelaan haweenka Hinduuga ah. Hoggaamiyaha BJP Girish Mahajan, oo ah wasiir ka tirsan gobolka galbeedka Maharashtra, ayaa ANI u sheegay in kiisaskan oo kale ay ""kordhayaan"" dowladda gobolkana ay ka fikirayso samaynta ""sharci adag oo ka dhan ah"". Qoyska Sharma ayaa sidoo kale ku eedeeyay inay bilowday xirashada xijaabka oo ay "" bedeshay qaab nololeedkeeda"" ka dib markii ay bilowday shukaansiga Khan. Faafinta sawirka Atariishada oo xiran xijaab ayaa wax yar ka dib dhimashadeeda ka bilowday baraha bulshada, taasoo ka careysiisay dadka Hinduuga ah ee mayalka adag. Khan walaashii ayaa beenisay eedeymaha ah inay “ku qasbeen” Sharma inay xirato xijaabka, waxayna ku adkeysatay in sawirka uu ahaa mid ka mid ah barnaamijkeeda filimka." https://www.bbc.com/somali/articles/c72wwd8nj08o +politics Trump ama Biden: Yaa ku horreeya gobollada muhiimka ah ay weli ka socoto tirinta codadka? "Cidda ku guuleysan doonto doorashada madaxtinimada Mareykanka waxay ku xiran tahay natiijada kasoo baxda gobollada muhiimka ah ee harsan. Weriyaha BBC-da ee waqooyiga Amerika Anthony Zurcher ayaa sharraxayaa waxyaabaha dhici karo mar haddii ay harsan yihiin gobolladan. Halkey wax marayaan: Natiijada gobolkan waxaa ku horreeyaa Trump inkasta oo uu kusoo dhaw yahay Biden. Codadka hadda la tirinayo: Saraakiisha gudaha waxay sheegayaan in codadka hadda tirinta ay ku socota ay gaarayaan 15,000. Halkan ayay ka imaanayaan codadkan: Codadkan waxay u badan yihiin kuwa lagu dhiibtay qaabka boostada, waxaana laga keenay intooda badan Atlanta iyo Savannah, halkaas oo ay ku xooggan yihiin Biden. Faalada weriyaha: Waa natiijo si weyn looga dhuursugayo, Biden waxaa laga yabaa in uu gaaro Trump marka la eego natiijada gobolkan xilli laga war sugayo tirinta codadka kale. Goormaa la heli karaa natiijada kama danbeysta ah: Saraakiisha waxay sheegeen in inta badan tirinta codadka gobolkan lasoo gabagabeeyay balse ay qaadan karto in la helo natiijada kama danbeysta ilaa galabnimada Khamiista. Halkey wax marayaan: Gobolkan waxaa natiijada ku hogaaminayaa Trump inkasta oo ay si aad isugu dhaw yihiin. Codadka weli la tirinayo: Xoghayaha arrimaha dibadda gobolkan wuxuu ku qiyaasay in codad gaarayo 550,000 weli la tirinayo inkasta oo ay harsan yihiin kala bar codadkaas. Halkey ka imaanayaan codadkaas: Waxaa laga keenay deegaanadii ay ku guuleystay Hillary Clinton doorashadii 2016-kii ee dimuqraadiga. Sababta ilaa iyo hadda loo ogaan la'yahay natiijada doorashada Mareykanka Dadka Mareykanka oo galay xaalad ay ku tilmaameen ""mid cakiran"" Faalada weriyaha: Inta badan codadka harsan waa kuwa lagu dhiibtay dhanka boostada oo laga keenay deegaanada ku xeeran magaalada Philadelphia, waana sababta weli Biden uu ku rajo weyn yahay in codad badan uu ka helo gobolkan uu hogaaminayo Trump. Goormaa la filayaa natiijada kama danbeysta ah: Saraakiisha gobolkan waxay sheegayaan in inta badan la heli doono habeenka Khamiista ah. waxayna arrintaas horseedi in caawa la ogaan doono saadaasha. Halkey wax marayaan: Biden ayaa weli gobolkan ku hogaaminayaa codad gaarayo 46,000, inkasta oo weli Trump uu codad badan ka helayo gobalkan. Codadka weli la tirinayo: Ilaa iyo hadda makala cadda codadka harsan balse saraakiisha guddiga doorashada waxay sheegeen in duhurnimada khamiista ay tiriyeen codad gaarayo 470,000. Halkey ka imaanayaan codadkaas: Waxaa dhammaantood laga dhiibtay gobollo kala duwan, intooda badan waxaa laga keenay caasimadda gobolka Arizona ee Phoenix. Faalada weriyaha: Inkasta uu Biden hogaaminayo natiijada doorashada gobolkan balse Trump wuxuu u muuqdaa in uu ku dhaw yahay Biden halka codadka soo haray laga keenay deegaanka Maricopa halkaas uu Biden ka heysto taageero, su'aasha waxay tahay ma waxay noqon doonaan, codadka qofka uu sida toos ah u dhiibtay- waana qaabka Trump uu ku helayo codad badan halka codadka lagu dhiibtay qaabka boostada uu yahay qaabka uu codadka fiican ka helay Biden. Goormaa la filayaa natiijada kama danbeysta ah: Waxaana lagu rajo weyn yahay in natiijada qaar lagu dhawaaqo abaare 19:00 wakhtiga dalkaas-mana garan karno tirada codadka lagu dhawaaqi doono. Halkey wax marayaan: Biden wuxuu natiijada gobolkan ku hogaaminayaa codad gaarayo 12,000. Codadka weli la tirinayo: Codadka aan haatan la tirin ee gobolkan waxay ka badan yihiin 63,200. Halkey ka imaanayaan codadkaas: Waxay codadkan ka imaanayaan sida magaalooyinka Reno iyo Las Vegas, kuwaas oo codadka laga dhiibtay ay iska soo daba dhacayaan. Faalada weriyaha: Waxaa laga yaabaa in Biden uu codad kale ka helo gobolkan xilli la tirinayo codadka harsan, inkasta oo la tiriyay codadka qaabka boostada lagu dhiibtay ee laga keenay deegaanka Clark oo ay dimuqraadiga ku xoogan yihiin. Goormaa la filayaa natiijada kama danbeysta ah: Codad dheeraad ah oo gaarayo 51,000 ayaa la filayaa in la shaaciyo beri, sida laga soo xigtay Joe Gloria oo kamid ah saraakiisha guddiga doorashada ee deegaanka Clark halka natiijada qaar la fili doono labada maalmood ee nagusoo aadan in lagu dhawaaqo." https://www.bbc.com/somali/war-54836135 +entertainment Amitabh Bachchan: Cali Dheere oo lagu diidi jiray dhirirkiisa dartiis xilligii uu doonayay in uu jilaa noqdo "Xiddigga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka, Amitabh Bachchan, oo dhashay 11-kii bishii October ee sanadkii 1942-kii, ayaa maanta u dabaal dagaya sanad guuradiisa 79-aad. Markii uu dhalanayayna waxaa socday dagaalkii labaad ee Adduunka, oo dhalashadiisa kaddib sii socday saddex sano oo kale. Xilligii uu atoorahan, oo Soomaalidu ay u yaqaannaan ""Cali Dheere"" soo galayay filimada, dalka Bangladesh waxa uu ahaa qayb ka mid ah Pakistan, gaar ahaan Bariga Pakistan. Markii shaleemooyinka laga daawanayay filimkiisii ugu horreeyay, Sat Hindustani, Soomaaliya waxay xor ahayd 9 sano oo kaliya. Filimkaas qudhiisana waxa uu ku saabsanaa qiso laga jilay sidii gobolka Goa ee Hindiya looga xoreynayay gumeystihii Boortaqiiska. Calaamakana waxay ahayd markii ugu horreysay ee dayaxa cagta la saaro. Haddaba, Amitabh Bachchan si sahlan kuma uusan noqonin atoore, caqabad isaga u gaar ah ayaana heysatay, sidaasoo ku dhacda jilayaasha qaarkood oo midba wax ay hor istaagaan. Filim sameeyihii lagu magacaabi Khawaja Axmed Cabbaas, oo raadinaya jilayaal u qabta filimkiisii 'Sat Hindustani' ayay sheeko dhex martay isaga iyo ""Cali Dheere"". Maalin maalmaha ka mid ah Cabbaas waxa uu la kulmay qof haya sawirka nin dheer. Markii uu eegay ayuu yiri, ""Ila kulansii qofkan."" Labo maalmood kaddib, abaare lixdii maqribnimo, ninkii dheeraa ayaa soo galay xafiiskiisa. Waxa uu u muuqday nin xoogaa aad u dheer, maadaama uu xirnaa bajaamo iyo jaakad. Inkastoo dhirirkiisu uusan ahayn mid xad dhaaf ah, waxa uu ka dhex muuqanayaa dadka hindida ah oo badankood u dhow cabirka isaga ka gaaban. Khawaja Axmed Cabbaas waxa uu wada sheekeysigan ku qeexay buuggiisa taariikhda, wadahadalkan ayaana dhex maray isaga iyo ""Cali Dheere"". 'Soo fariiso, magacaa?' 'Amitabh (kuma uusan darin Bachchan)' 'Waxbarashada xageed ka gaartay?' 'Maamulka ganacsiga ayaan ka bartay jaamacadda Delhi' 'Waligaa horay ma uga soo shaqeysay filimada?' 'Ma jiro qof filimkiisa ii oggolaaday wali' 'Maxaad u maleyneysaa sababta?' 'Dhammaantood waxay ii sheegaan inaan aad u dheerahay, oo atoore aanan u noqon karin.' Kaddib Khawaja waxa uu u sheegay Amitabh in filimkiisa uusan ku saabsaneyn qof atoore noqda oo diiradda la saarayo, haddii xitaa uu sidaas ahaan lahaana uusan ugu diidi lahayn dhirirkiisa awgiis. ""Ma i siineysaa filimkaaga? middeeda kale imtixaan la'aan miyaad i siineysaa?,"" ayuu yiri Amitabh. Markaas ayuu filim soo saarihii ugu jawaabay: ""Ugu horreyn waxaan kuu sheegayaa qisada filimka laga jilayo, kaddib doorkaaga ayaan kuu sharraxayaa. Haddii aad ka heshidna waxaan kuu sheegi doonaa lacagta aan ku siin doono."" Markii ay jilitaanka isku fahmeen ayuu kaddib Cabbas sheegay in uu filimka oo dhan ku siin karo lacag dhan Rs 5,000. Amitabh xoogaa ayuu ka labolabeeyay go'aanka, laakiin Cabbaas ayaa weydiiyay: ""Ma intaas ka badan ayaad qaadataa hadda?"". ""Haa waxaan lacag dhan Rs 1,600 ka helayay shirkad ku taalla Calcutta,"" ayuu yiri Amitabh Bachchan. ""Waan iska soo casilay shaqadii si aan halkan u imaado,"" ayuu sii raaciyay. Cabbaas oo aad ula yaabay arrintaas ayaa yiri: ""Ma waxaad ii sheegeysaa inaad kasoo tagtay shaqo aad kun iyo shan boqol ku qaadaneysay bil kasta adigoo rajeynaya inaad hal filim sameyso? Ka warran haddii aan door kaa siin waayo filimka?"". ""Waa inaad fursadahaasoo kale ka faa'iideysato marka ay kugu soo maraan nolosha,"" ayuu yiri ninkii dheeraa. Cabbaas wuxuu Amitabh siiyay doorkii, wuxuuna u yeeray ku xigeenkiisii si uu qandaraaska ugu keeno. Kaddib waxa uu weydiiyay magaciisa oo dhammeystiran. Jawaabtu waxay ahayd;, ""Amitabh..."" wax yar ayuu aamusay, kaddib ayuu yiri: ""Amitabh Bachchan. Wiilka uu dhalay Hari Vansh Rai Bachchan. ""Sug bal,"" ayuu yiri Cabbaas oo qeylinaya. ""Qandaraaskan lama saxiixi karo ilaa aan aabbahaa ka helo fasax,"" ayuu yiri. Wuxuu u sheegay in aabbihiis uu yahay nin isaga ka aqoon badan ayna iskala soo shaqeeyeen Soviet Nehru Academy. Wuxuu ku wargeliyay inuu labo maalmood oo kale sii sugo. Kaddib Khawaja waxa uu telegram u diray Amitabh aabihiis, Hari Vansh Rai Bachchan, isagoo weydiinaya: ""ma oggoshahay inaan wiilkaaga atoore ka dhigo?"". Labo maalmood kaddib waxa uu ugu soo jawaabay, ""Dhib uma arko."" ""Waxba kama qabo waad ka dhigi kartaa."" Intaas wixii ka dambeeyay taariikhda ayaa xustay. Amitabh waxa uu noqday mid ka mid ah jilayaasha loogu jecel yahay guud ahaan Hindiya, ilaa maantana waxa uu qof lagu daydo u yahay atooreyaasha Bollywood-ka. Mid ka mid ah filimadiisii ugu horreeyay ee caanka noqday waxaa lagu magacaabaa Anand, oo soo baxay sanadkii 1971-kii. Filimkii Seven Indians ma noqonin mid aad loo jecleystay, laakiin Amitabh wuu sii waday dagaalkiisii. Filim soo saaraha lagu magacaabi jiray Rishikesh Mukherjee ayaa markaas kaddib kusoo daray Amitabh jilayaasha Anand. Markii ugu horreysayna waxa uu hal mar soo wada jiitay dhammaan indhaha dadka reer Hindiya, isagoo bandhig cajiib ah la soo shir tagay. Xirfadda uu kusoo bandhigay filimkaas waxa ay u horseedday inuu ku guuleysto abaalmarinta atooraha sannadka, wixii intaas ka dambeeyayna wuxuu marba marka ka dambeysa sii noqonayay xiddig kor usii socda." https://www.bbc.com/somali/war-58868032 +politics Kariuki Kibochi: Taliyaha militariga Kenya oo si kulul uga hadlay go'aankii maxkamada ICJ ee badda Soomaaliya "Taliyaha militariga dalka Kenya Janaraal Robert Kariuki Kibochi ayaa sheegay in guulo la taaban karo ay militariga Kenya guulo ka gaareen howlgalkii loogu magac-daray 'difaaca dalka' ee ay ku galeen soomaaliya toban sano kahor. Mr Kibochi ayaa sheegay in ay hoos u dhigeen halista Kenya kaga imanaysay Al-Shabaab. ""Waxaan howlgalka 'difaaca dalka' aan qaadnay 14 october 2011 , muddo 6 bilood ah ka dib u jeedadeenii waan gaarnay,"" ayuu yiri Janaraal Kibochi. Waxaa uu intaa ku daray in ujeedadii ay Soomaaliya u galeen ay ahayd in ay ka hortagan khatartii Kenya uga imanaysay ururla Al-Shabaab. ""Ujeedada xilligaasi aan Soomaaliya u galnay waxay ahayd anaga oo ka jawaabayna daandaansigii Al-shabaab,"" ayuu yiri taliyaha. Taliyaha militariga dalka Kenya Robert Kariuki Kibochi oo wareysi gaar ah siinayay telefishinka maxaliga ah ee Citizen ayaa xusay in Kenya markii ay Soomaaliya galeysay ay difaacaysay madaxbanaanideeda. Taliyaha militariga dalka Kenya ayaa farta ku fiiqay in goobaha ay ka saareen Al-shabab ay imika amni yihiin, isaga oo tusaale u soo qaatay magaalada Kismaayo. ""Haddii maanta aad booqato ciidamadeen Kismaayo ma rumeysanaysid, sababtoo ah nolasha ka jirta Kismaayo. Ganacsi badan ayaa ka socda, kama jirto khatar Al-shabaab sababtana waa Amisom oo aan annaga qeyb ka nahay,"" ayuu yiri Janaraal Kibocha. Mr Kibicho ayaa dhanka kale sheegay in uu jiro qorsho dib u habeyn loogu sameynayo howlgalka Amisom ayna diyaar u yihiin in ay qeyb ka noqdaan. ""Soomaaliya ma jirto nabad la ilaaliyo sidaasi daraadeed waxaad u baahan tahay ciidamo doonaya in ay hor istaagaan halista ka imanaysa Al-shabaab,"" ayuu yiri Janaraal Kibochi. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in xitaa haddii dib u habeyn lagu sameeyo Amisom wali dalalkii qeybta ka ahaa howlgalka Amisom aan laga maarmi doonin. ""Shanta dal ee imika qeybta ka ah Amisom Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi, dalalka waa kuwa muujiyay rabitaan ay kula dagaalamayaan Al-shababb sida aan rumeysnahay dalalkan wali waa kuwa muhiim u ah isbadalka lagu sameynayo Amisom,"" ayuu intaa ku daray. Taliyaha ciidamada militariga Kenya Robert Kariuki Kibochi ayaa sidoo kale xusay in weerarkii Ceel-cade ay wax badan ka barteen islamarkana markii hore ay dhayalsadeen halista Al-shabab. ""Waxaan ka barannay casharro badan sababtoo ah markii aan ku biirnay Amisom, halista miinooyiinka dhulka la galiyo ma ahayn mid weyn, waan ogeyn in Al-shabab ay miinooyiinka ayku aasaan waddooyinka, laakiin mida aanan xilligaa ogeyn waxay ahayd in al-shabab ay dhiseen awood taas ka sareysa miinooyin oo ah in gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay la jiirsiiyo xero,"" ayuu yiri Mr Kibochi. Waxaa uu sheegay in al-shabab awooddooda ay wax badan iska baddaleen islamarkana ""ay imika isticmaalaan diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka ah, kuwaasoo ay kula socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada"". ""Al-shababtii aan naqaanay ee miinooyiinka dhigi jiray, hadda Al-shabab waxay isticmaalaan drones-ka taa micnaheedu waxay tahay inay la socon karaan xarumaheenna, casharka aan ka baranay-na waxaa uu yahay inaan isticmaalno hubka lidka dronis-ka,"" ayuu yiri. Taliyaha ciidamada militariga Kenya oo dhanka kale su'aal laga waydiiyay go'aankii maxkamada ICJ ee murankii badda ayaa sheegay in ay tahay in arintan laga wada hadlo. ""Waxaan rumeysnahay in arintan ay tahay in laga wada-xaajoodo sababtoo ah xuduud soo jirtay sanado badan marka inta uu qof iska yimaado uu yiraahdo halkan ma aysan mareynin (xuduudda) taasi ma aha wax la aqbali karo waana halkaas meesha khadka cas ah. Kenya waxaa iska leh dadka reer Kenya, mana jirto cid aqbalaysa in qeyb ka mid ah la gooyo, marka waa in wadahadallada ay sii socdaan xitaa ka dib markii uu go'aanka soo baxo, sababtoo ah waa arrin muhiim ah oo ay tahay in ay sii socoto,"" ayuu yiri taliyaha militariga Kenya. Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland. Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab." https://www.bbc.com/somali/war-59162806 +politics Dowladda Soomaaliya oo labo shardi ku xirtay keenista Jaadka "Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sharraxay sida kaliya ee ay dowladda Soomaaliya ku oggoshahay in Qaadka lagu soo galiyo, isagoo beeniyay warar kale oo la la isla dhex marayay. Ganacsiga jaadka ayaa in muddo ahba xayirnaa, hase yeeshee waxaa soo baxayay cabashooyin ku aaddan in dad gaar ah ay dhoofiyaan ama uu u xiran yahay ganacsigaas. Bayle oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay qodobka la xiriira dadka sida gaarka ah u heysta ganacsiga jaadka wuxuuna sheegay in xukuumadda federaalka ay ka go'an tahay in aysan aqbalin ""siyaabaha aan sharciga waafaqsaneyn ee jaadka lagu geeyo Soomaaliya"". Dhanka kale waxaa jirtay cabasho xoog leh oo ku aaddan saameynta dhaqaale ee ka dhalatay joojinta qaadka, iyadoo laga deyrinayay xaaladda dad badan oo noloshoodu ay ku tiirsaneyd ganacsiga jaadka. Ugu horreyn wuxuu wasiir Beyle meesha ka saaray in jaadka ay dad gaar ah soo dhoofsadaan. ""Arrinta jaadka oo maalmahan hadal-heynteedu soo xoogeysaneysay oo la leeyahay jaadku cid buu u xidhan yahay, dad badan oo cabanaya ayaan baraha bulshada ka dhageystay. Waxaan doonayaa inaan soo afjaro hadalkaas, waxaan halkan ka caddeynayaa inaan jaadku cidna u xidhneyn,"" ayuu yidhi Bayle. Hase yeeshee Wasiirku wuxuu sheegay in labo shuruud lagu xirayo qof walba oo doonaya inuu qaad dalka soo galiyo, gaar ahaan jaadka loo yaqaanno ""hareeri"". ""Qofka Soomaaliyeed ee doonaya inuu ka ganacsado jaadka, sida ganacsiyada kaleba, waxaa looga baahan yahay inuu sharcigeeda soo maro oo kaliya. Haddaad dooneyso inaad jaadka ka ganacsato ruqsad baad soo qaadaneysaa, wasaaradda ganacsiga ee ku shaqada leh baad u tageysaa, ayagaa nidaamka kuu akhrin doona, waad soo qaadan ruqsadda kaddibna jaad keen."" ""Arrinta kale waa in aadan soo qarinin. Waa inaad tiraahdo jaad baan sitaa, diyaaraddu waa inay dhahdo jaad baan wadaa, cid walbana ogaato inay jaad siddo. Sidaas darteed waa in ay ugu talagasho canshuurtiisa iyo arrimihiisa, kaddibna la canshuuro."" Qof walba oo ka soo baxa shuruudaha ruqsadda iyo canshuur bixinta, ayuu wasiirku sheegay in sidii uu qaadka u keeni karo sidii uu jecel yahay. Tan iyo markii la xayiray dhoofinta qaadkii tagi jiray Soomaaliya, waxaa soo baxayay cabashooyin la xiriira in ay saameyn baaxad leh ku yeelatay dadkii ku tiirsanaa ganacsigaas ee nolol maalmeedkooda kasoo saari jiray. Ganacsato badan oo Soomaali ah ayaa sidaas looga hakiyay shaqadoodii mashquulka badneyd ee ay maalin walba ku howlanaayeen. Dhanka Soomaaliya oo kaliya ma aha meelaha ay saameysay xayiraadda jaadka. Dhanka Kenya ayaa sidoo kale laga soo tabiyay walaac noocaas ah. Beeraleyda qaadka ee dalkan Kenya ayaa sheegay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray xayiraadda la saaray qaadkii ay u dhoofin jireen waddanka Soomaaliya. Qaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo ay u aheyd dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in markii la joojiyay ganacsiga dhanka Soomaaliya aadi jiray ay shaqo la'aan soo food saartay. Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay BBC-da u sheegay in xilliga uu qaadka xayirnaa ay maalin walba ay khasaarayeen lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama uusan jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya u diri jireen. ""Markii dowladda Soomaaliya ay qaadday xayiraaddii saarneyd badeecooyinka la geeyo gudaha waddanka waxay ka reebtay jaadka, maalin walba waxaan Soomaaliya geyn jirnay 50 tan oo jaad ah taas oo u dhiganta 150 kun oo doolar maalintiiba, qaar badan oo kamid ah beeraleyda jaadka khasaare badan ayaa kasoo gaaray arrintaas, maxaa yeelay dakhliga kaliya ee aanu helno waa kan jaadka, anagu haddii aanu nahay beeraleyda jaadka iyo ganacsatada Soomaalida wax inoo dhexeeyo habayaraate ma jirto,"" ayuu yidhi. Kimathi Munjuri waxa uu intaasi ku daray in jaadka kaliya aanay Soomaaliya geyn balse ay sidoo kale badeecooyin ka soo iibsadaan dibna ugu soo celiyaan gudaha Kenya, ganacsigooduna uu yahay wax isdhaafsi." https://www.bbc.com/somali/war-55798717 +technology Baraha Bulshada: Lamaane Facebook iska helay oo lix maalood ka dibna is guursaday "Qof kaste oo Facebook isticmaala wuxuu arkaa waxyaabo uu la yaabo. Waxaa ka mid noqon kara dad aadan aqoonin oo kugu soo darsada, qol ay koox furatay oo xubin lagaa dhigo adigoon dalbanin iyo qoraallo iyo sawirro lagula wadaago adigoo aan rabin. Laakiin nin Nigeria u dhashay ayaa heer cusub gaarsiiyay layaabkii markii uu soo bandhigay xayaysiin aan caadi ahayn. Chidimma Amedu ayaa qoraal soo dhigay Facebook , isaga oo dumarka waydiistay in ay la soo xiriiraan haddii ay guur diyaar u yihiin, sida uu BBC-da u sheegay. ""Ma yari oo wakhti badan baan soo noolaa, arrintaasna ma qarinayo, diyaar baana u ahay in aan qirto. Wakhti dambana iskama luminayo."" ""Isoo dira codsiyadiina - gabadha ugu dhibco badata ayaana guursan doonaa,"" sidaa ayuu Facebook ku qoray. Markale ayuu qoraal kale ku xoojiyay isaga oo yiiri , ""Arrintan waa iga dhab, haddaba ha oranin qoraalkaaga ma arkin. Nasiib wanaagsan. Dhawr ruux ayaa qoraalkaas uga soo jawaabay, laakiin waxaa dareenkiisa soo jiitay midda uga timid Sophy Ijeoma Waxay u qortay ""Anigaa ku danaynaya........ ceeb.."" astaanta qosolka ee lols ayayna sii raacisay. Markii hore waxay la ahayd kaftan, waxayna qoraalkaas u qortay in sheekadu sii socoto oo kali ah. Fariin gaar ah ayuu u diray ka dibna Facebook ayuu ka wacay kaas oo bog cusub u furay noloshii gabadha. Labo maalmood ka dib markii ay sheekadii u horraysay dhex martay, wuxuu galay safar 500km ah, wuxuu ka baxay Abuja oo deggan yahay, si uu u tago Enugu oo ay gabadhu ku nooshahay. Waxay ku sugaysay bannaanka dukaan tafaariiqda lagu gado waxayna kulankoodii koobaad ku tilmaantay ""jacaylkii aragtida ka billawday"". ""Waa ninkii dunida ugu quruxd badnaa ee aan waligay la kulmo. Markaan arkayba waan ka helay"". ayay tiri Ka dib labo saac oo ay wadahadal ""adag"" yeesheen wuxuu ka dalbaday in ay la booqato adeerkii oo ay gabadha isku magaalo ku nool yihiin. Markaas waxaa la waydiiyay waxa madaxeeda ka guuxaya, waxayna tiri kaftan kaftan ayay ila yara tahay, laakiin way ku faraxsanayd in Chidimma uu hawsha si wanaagsan u waday ""Waxaan galnay guriga adeerkii wuxuu yiri: 'adeer waatan gabdha aan rabo in aan guursado."" Chidimma qoyskiisana hawsha dib ma aysan u sii dhigin adeerkiisana wuu ku raacay. Dhaqanka Igbo waxaa qayb muhiim ah ka ah in qoyskaagu ay ku qancaan gabadha aad nolosha wadaageysaan. In aad xayaysiin Facebook soo dhigto gabdhihii kuu soo jawaabay mid ka mid ahna aad maalinta lixaad guursato arrin sahlan ma aha. haddaba sideed u guursan kartaa qof aad hadda uun is barateen? Gabadhu kama hadlayso in ay xataa halmar isu soo dhowaadeen, balse waxaa ka muuqatay ka go'naansho. Waxay tiri ""markii u horraysay een arkayba waan ka helay, balse ma ogayn sida ay uga go'antahay in uu i guursado,"" ""Markii aan adeerkii iyo xaaskiisa u tagnay ayay ii xaqiiqawday in arrintaasi ay rumoobi karto waana rabay"" ayay intaas ku sii dartay. Markaan walwalku xageeda ayuu u ciiray oo waa in ay qoyskeeduna ogolaadaan guurka nin ay Facebook uun isku arkeen. Laakiin dardartii ay ku socdeen ma aysan joojinin. maadaama ay kulmeen aragtidii koobaadna ay ku jeclaatay, Chidimma adeerkiina soo dhaweeyay, markaas ayayna go'aansadeen in ay booqdaan qoyska Sophy isla maalintaas. Sophy aabaheed wuu dhintay marka hooyadeedna waxay tiri anigu hawshaas ma gali karo ee walaalkaa kaa wayn haku bixiyo. Markaas haddii walaalkeed ogolaado hawshii qoysaskooda ayaa dhan uga dhacday. Markii uu dhawr su'aalood waydiiyayna wuu bixiyay, sidaas daraadeed waxay noqdeen dad si rasmi ah isugu doonan, si ay lix maalmood gudahood isugu guursadaan. Sophy ayaa la waydiiyay in ay ku dagdageen balse way diiday arrintaas, waxayna tiri: ""waad qaadan haddii aad aragto wixii aad u baahnayd."" In kabadan hal sano ayay saaxiib ku ahaayeen Faceebok, balse xayaysiinta guurka ka hor ma aysan kulmin mana aysan wada hadlin, kaftankii waan kuxiisaynayaa ahaa ayuuna qoys cusub ka dhashay. Lixdii bishii koobaad ayay is guursadeen waxayna dhigeen xalfad dhaqanka Igbo waafaqsan, sawirradii arooskooda ayay Facebook soo dhigeen, dad badan ayaana arrintaas ka yaabay. Chidimma ayaa ku qoray Facebook dadka waxay la ahayd in aan kaftamayo balse way cadday oo xaalku sidaa ma ahayn. Sida la fili karana dadka way ku kala argati duwanaayeen, laakiin dad badan ayaa taageeray lamaanaha lixda maalmood isku calmaday. Waxay rajaynayaan in ay aroos kale dhigtaan, dalxiisna u aadaan meel kale oo wanaagsan." https://www.bbc.com/somali/war-60399779 +entertainment "Siyaabo aadan weligaa ku arkin ""Cali Dheere""" "Jilaaga caanka ah ee ka tirsan Boolywood-ka, Amitabh Bachchan oo 80 jir noqonaya 11-ka bishan ayaa waxaa dib u eegis lagu sameynayaa aflaantiisii hore ee uu jilay. Bandhigyo dhif ah oo lagu xusayo jilaaga ayaa ka socda dalka Hindiya. Maalmo ka hor waxaa la billaabay munaasabadihii ugu horreeyay ee lagu xusayo xirfadda Amitabh Bachchan, gaar ahaan filimadiisii hore ee taariikhiga ahaa, waxaana munaasabadaha soo qabanqaabisay hay'ad aan dowli aheyn oo lagu magacaabo Film Heritage Foundation. Ilaa 22 shaleemo oo ku yaalla 17 magaalo oo Hindiya ka tirsan ayaa lagu qabanayaa xafladaha lagu xusayo xiddigga ruugcadaaga ah. Hay'addan aan dowliga aheyn waxaa hogaaminaya Shivendra Singh Dungarpur oo ah filim sameeye ku takhasusay keydinta filimada, kuna guuleystay abaalmarin, wuxuuna safka hore uga jiraa dadaalka lagu ilaalinayo 60 ka mid ah filimada Bachchan ee lagu keydiyay magaalada Mumbai. Keydka Mumbai ayaa helay aqoonsi caalami ah oo heer sare ah, sida uu sheegay agaasime Christopher Nolan. Bandhigyada waxaa sidoo kale qeyb ka ah ilaa 50 sawir, oo inta badan laga soo xigtay keydka SMM Ausaja, oo taariikhyahan dhanka filimada ah, sidoo kalena ah qoraa keydiya xusuusta. Mr Ausaja waxa uu arurinayay filimada muddo soddon sano ah, waana qoraaga buugaag badan oo uu ka mid yahay buug uu ku eegayo shirkadda aflaamta Hindiya ee Bollywoodka. Halkan waxaan idiinku soo gudbineynaa sawirro dhif ah oo ku saabsan nolosha jilaaga caanka ah, Amitabh Bachchan. Sawirkan Amitabh Bachchan iyo xaaskiisa Jaya Bhaduri waxaa la qaaday xilliggii bandhig-faneedka Abhimaan oo uu isku soo dabariday Hrishikesh Mukherjee. Filimka Hrishikesh Mukherjee wuxuu iska dhigayay nin aan kalsooni badan qabin oo u adkeysan waayay guusha ay gaartay xaaskiisa, waxaana filimkaas atariisho ka ahayd Jaya. Filimkan ayaa waxa uu soo baxay sanadkii 1973, bil kaddib markii ay is guursadeen Bachchan iyo Bhaduri, waxayna guulo ka gaareen shirkadda filimada qiimeysa ee Box-office-ka. Ninka filimada dhaleeceeya, Jai ​​Arjun Singh, ayaa ku tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu caansan filimadiisa islamarkaana waxa uu sheegay in Bachchan iyo Bhaduri ay leeyihiin codad qurux badan. Filimka Abhimaan wuxuu kamid ahaa filmadii ugu horreeyay ee soo shaac baxay markii Bachchan uu bilaabay xirfaddiisa. Agaasimaha sare ee Bollywoodka, Subhash Ghai ayaa Bachchan u doortay inuu jilo filim lagu magacaabo Devaa, kaasoo ugu dambeyntii meesha looga saaray sababo aan waligood la cadeyn. Bachchan ayaa sida muuqata ku jilayay filimkan si sharci daro ah kaddib markii Ghai uu duubay muuqaallada qaar iyo filimka dance number. Sawirkan waxa uu ka mid ahaa filimadii la duubay bartamihii 1980-meeyadii. Ghai iyo Bachchan waligood ma wada shaqeynin kaddib mashruucan dhicisoobay. ""Waan ka qoomameynayaa in aanan wali awoodin in aan la shaqeeyo Amitabh Bachchan, waa qaladkeyga in filimka aanu ku guuleysan, waligey fursad kale ma helin,"" ayuu Ghai ku yiri wareysi uu bixiyay xilli dambe. ""Marar badan ayaan ku fikiray inaan filim la jilo, laakiin marka uu yahay 'Amitabh Bachchan', waxaad u baahan tahay inaad hesho mashruuc cadeynaya maqaamkiisa iyo doorkiisa,"" ayuu yiri. Sawirkan Bachchan oo ku tilmaamayay nin xun, waxaa jilay Ranjit-waxaana lagu soo bandhigay filimkii 1973 ee Bandhe Haath (Gacmo xiran), waxaana filimka agaasime ka ahaa OP Goyal. Bachchan wuxuu matalayay nin tuug ah, waxaana xiiso badan lahaa dambiga iyo ciqaabta uu kula kulmayo arrintaas. Wuxuu ka mid ahaa filimadiisii ​​hore ee aan ku wanaagsanayn Boxoffice-ka. Sawirka Bachchan iyo Atariishada Raakhee ayaa la qaaday xilligii la duubayay filimkii la jilay 1979-kii ee la magac baxay Jurmana (Ciqaab), waxaana agaasime ka ahaa Hrishikesh Mukherjee. Jurmana waxa uu ka mid ahaa siddeedii filim ee Mukherjee iyo Bachchan ay isla soo wada jileen. Jilaagan ayaa mar sheegay in aanu ""dareemayn inuu ammaan ku mutaystay wax qabadkiisii ​​aflaamta Mukherjee, sababtoo ah waxa uu si fudud u samaynayey waxa uu tusiyay agaasimihiisii khibradda lahaa"", sida uu sheegay Singh. Sawirkan Bachchan iyo filim-qaadaha caanka ah ee Jal Mistry (bidix) ayaa waxaa la qaaday xilli ay bannaanka ku duubayeen Mard, oo ah filimkii la jilay 1985-tii, waxaana agaasime ka ahaa Manmohan Desai, kaasoo mas'uul ka ahaa inuu xiddigga ka dhigo halyeey soo shaac baxay islamarkaana helay suuq weyn. Filimka Bachchan waxa uu ku jilaya wiil uu dhalay halgamaagii xoriyadda u soo dagaallamay si uu ula diriro maamulkii guumeysiga. Nin dhaleecaynayay filimka xilliggaas ayaa qoray ""in uu filimka ahaa mid aan wax muran ah dhalan... Wuxuu ahaa nin awood leh "". Kani waa sawirka naadirka ee ah ee Bachchan, kaasoo laga qaaday markii la duubayay filimkii Hero Hiralal ee la soo saaray sanadkii 1998-kii, waxaana agaasime ka ahaa Ketan Mehta. Sidoo kale waxaa ka dhex muuqda Mehta (bidix), atirishada lagu magacaabo Sanjana Kapoor (dhanka midig), majaajiliistaha Johnny Lever iyo soo saaraha filimada Gul Anand (midigta). Xiddiga filimkan wuxuu ahaa Naseeruddin Shah oo filimka ku jilay isagaoo matalaya darawal bajaaj, wuxuuna la kulmay atariishaddii soo caanbaxeysay, markii dambena labadoodaba jaceyl ayaa dhexmaray." https://www.bbc.com/somali/articles/c6pgjnydm45o +health Ma ogtahay in caado-go`a ay saameyn ku yeelan karto maskaxda haweenka? "Billowgii xirfaddeeda, Dr. Gayatri Devi, oo ku takhasustay xanuunnada neerfaha kana howlgasha Isbitaalka Lenox Hill ee magaalada New York, iyo asxaabteeda ayaa sameeyay khalad: waxay cudurka asaasaqa ka daweeyeen haweeney la dhibtooneysay caado-go'a. Kaddib daaweyn badan, caafimaadka haweeneyda ayaa soo hagaagay, markaas kaddib ayay Dr. Devi ogaatay calaamado kale - sida qofka oo xusuustu ay ka tagto, jahwareer - laga yaabo inay sababeen waxyaabo kale. Dhibaatada dhanka garashada ee qofka ayaa toos loola xiriiryay hoos u dhaca degdegga ah ee hoormoonka estrogen, oo ah xaalad dhacda sanad kaddib caadadii ugu dambeysay ee ay haweeneydu heshay. Arrintaas ay ka wra heshay Dr. Devi waxay horseedday in la baaro calaamadaha aan la garaneyn ee caado-go'a ee saameynta ku yeesha maskaxda. Waxaa la yaab leh, haween badan ayaa la dhibtooda arrintan balse lama oga waxa sababay. ""Inta badan haweenka ay caadado ka tegi rabto [muddo ilaa toddoba sano ah] - waxaa ku bilaabata xusuusta oo ku yaraata sida xusuusashada dhacdoyinkii la soo dhaafay iyo luqadda oo ku adkaata, amaba inay dhowr howl hal mar isku qabtaa,"" ayay Dr Devi u sheegtay BBC. Waxay saameysaa xusuusta sida marka ay haweeneydu aaddo dukaanka ee ay illowdo wiixi ay dooneysay inay soo iibsato, ayay tiri Pauline Maki, oo maaddada cilmu-nafsiga ka dhigta Jaamacadda Illinois, Chicago ee Mareykanka. Waxay saameysaa awoodda aan sheekooyin uga sheekeyn lahayn, aan uga qeybgeli lahayn wada sheekeysiga shirarka. Iyo in hadhow la soo xusuusto wixii laga hadlay. ""Daraasaddeenna waxaan ku ogaannay in inta badan haweenku ay la dhibtoodaan xaaladdan halka boqolkiiba 10 kuwii ka qeyb qaatay baaritaanka ay ku guul darreysteen inay soo xusuustaan wiixi laga filayay inay gartaan marka da'dooda loo eego,"" ayay tiri Prof Maki. ""Balse caqabaddu ma weyna mana saameyneyso inay gutaan waajibaadkooda shaqada."" Sida ay aaminsan tahay Dr. Devi, ""ku dhowaad boqolkiiba 60 haweenka ay caadady ka go'i rabto iyo kuwa ay ka go'dayba waxay la kulmaan dhibaabooyinka dhanka garashada ah, balse arrintan ayaa waxaa lagu xaqiijin karaa baaritaan caafimaad. Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ayaa ah in maskadxa ay leedahya hoormoonka estrogen oo ku keydsan agagaarka qeyb yar oo ka mid ah maskaxda oo qaabilsan keydinta xusuusta. Baaritaan lagu sameeyay haween ugxaantoodu ay ku jiraan hoormoonka estrogen sare ah, ayaa muujinaya in awooddooda garashada ay saddex jeer badatay marka la siiyay dawooyiin sare u qaada hoormoonkaas, says Prof Maki. ""Balse keliya maaha hoos u dhaca hormoonkaas waxa sababaya xaaladdan. Waxaa jira waxyaabo kale oo xisabata lagu darsna karo sida hurdo la'aanta,"" ayay tiri Rebecca Thurston, oo cilmu-nafsiga ka dhigta Jaamacadda Pittsburgh. ""Inta ay caado-go'a jirto, ilaa boqolkiiba 60 haweenka ayaa la kulma hurdo la'aan,"" ayay tiri. Hurdo la'aanta waxay saameysaa xusuusta maskaxda, waxayna kuleyl aad u daran ku sii deysaan dhammaan jirka, taas oo sababta kuleyl jirka ah iyo nabro yaryar. Marka laga soo tago hurdo la'aanta, haweenka qaar ayaa sheegay inay habeenkii iska beddelaan dharka kadiib marka ay la kulmaan dhidid badan. Haa, wuu saameyn karaa. La'aanta hoormoonka Estrogen wuxuu saameyn karaa maqaarka, taas oo ka dhigeysa haweeneyda inay dareento qalleyl. Isbeddel dhanka jawiga ah ayaa sidoo kale saameeya maskaxda. Haddii xaaladdan ay saameyso haween badan, maxaanan loo ogeyn? Waxay u muuqataa inay jirto wacyigelin la'aan, iyadoo caado-go'a ay weli ceeb ka tahay dhaqamo badan dhexdooda. ""Dhibaatadu waa xaaladdan waxay sanado bada heysatay haween, waxaana laga yaabaa inaysan ogeyn inay calaamad u tahay caado-go'a."" Isha: Waaxda daryeelka caafimaadka qaranka UK Khubarrada ayaa sheegay inay jiraan qaabab badan oo haweenka looga caawin karo inay la tacaalaan isbeddellada jir iyo maskax ahaaneed ee ay sababto caado-go'a. Haweenka ayaa lagula taliyay in caado-go'a kadib ay ku dadaalaan cunto isku dheelli-tiran, ay ka fogaadaan cuntada ay dufantu ku badan tahay, ayna cunaan kuwa ay birtu ku badan tahay si ay lafuhu ugu kobcaan isla markaana aysna ugu dhicin xanuunnada wadnaha. Inay sameeyaan jimicsi si uu uga yaraado walbahaarka, isku buuqa isla markaana aysan ugu dhicin xanuunnada wadnaha." https://www.bbc.com/somali/57792832 +politics Mareykanka oo u digay Shiinaha, Ruushka iyo Iran "Mas'uul sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa digniin u diray waddamada doonaya iney saameyn ku yeeshaan doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka ee sanadkan 2020-ka dhaceyso. War murtiyeed uu soo saaray agaasimaha Sirdoonka qaranka Mareykanka Willian Evanina wuxuu sheegay waddama shisheeye inay ku howlan yihiin ""saameyn iney ku yeeshaan"" cod bixinta doorashada. Waddamadan ""iney kala doorbidayaan cidda doorashada ku guuleysaneyso,"" ayuu intaa ku daray. Mas'uulkan sare ee sirdoonka Mareykanka wuxu sheegay Ruushka inuu faragelin uu ku sameeyey doorashadii 2016-ki dhacday oo uu madaxweyne Trump uu ka caawiyey ololahiisa dooorashada. Balse Ruushka ayaa eeddaasi gaashaanka u daruuray. Madawyene Trump oo Jmcihi shir jaraa'id qabtay oo wax laga weydiiyey waxa uga qorsheysan inuu ka qaado faragelinta uu sheegay in lagu hayo doorashada Mareykanka, Madaxweyne Trump wuxuu sheegay maamulkiisu in ""si dhow uu ula soconayo"" arrinta. Hadalka ka soo yeeray mas'uulka sirdoonka Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli uu madaxweyne Trump uu walaac ka muujiyey codbixinta doorashada ee ay dadku ku dhiibanayaan dhanka boostada. Wuxuuna madaxweynaha uu soo jeediyey in doorashada dib loo dhigo si looga hortago ""isdaba marin doorashada la xiriirta oo taariikda dalka Mareykanka dhacda"", isaga oo sheegay iney taasi dhabarjab ku tahay xataa xubnaha xisbigiisa ka tirsan. Wuxuu sida oo kale hadalkan uu ku soo beegmay xilli ay xubnaha sharci-dejinta ee ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ay sheegeen iney laamaha sirdoonka ay shacabka Mareykanka la wadaageyn macluumaadka la xiriiro faragelinta ay waddamada shisheeya ku hayaan cod bixinta doorashada sanadkan. Madaxweyne Trump oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa doonaya doorashadan labaad inuu guul ka gaaro oo markale madaxweynanima loo doorto. Ninka loollanka adag kula jira ee ah musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ayaa ah madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka Joe Biden. Musharraxa doorashada madaxweynaha uga qayb galayo xisbigia Dimuqraadiga Joe Boden oo ah madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa loollan adag ku haya madaxweyne Trump. Willam Evanina, oo ah Agaasimaha xaruunta sirdoonka qaranka wuxuu Jimcihi soo saaray warmurtiyeed. Mr Williams wuxuu sheegay waddamada shisheeye iney ku howlan yihiin iney musharrixiinta doorashada u taagan ay kala dortaan, oo ay beddelaan siyaasadda Mareykanka, ""ayna doonayaan iney dalka Mareykanka ismaandhaaf ka abuuraan"", iyaga oo liidayo rabitaanka iyo kalsoonida shacabka Mareykanka iyo geddi socodka dimuqraadiyadda. Agaasimaha Sirdoonka wuxuu intaasi ku daray iney ku adkaan doonto waddamada naga soo horjeeda iney faragelin ku sameeyaan ay saameeyaan codbixinta. Waddama badan ""waxay leeyihiin iney kala door bidaan cidda doorashada ku guuleysaneysa"", ayuu yiri, wuxuuna mas'uulku uu carrabka ku dhuftay waddamadaasi iney ka mid yihiin Shiinaha, Ruushka iyo Iran. Shiinaha ""Wuxuu doorbidayaa Madaxweyne Trump inaan markale la soo dooran maadaamaa ay Beijing ay isku wanaagsaneen"", waxaana warmurtiyeedka lagu sheegay ""iney sii ballaadhisay dadaalladeeda ay ku faragelineyso"" codbixinta soo socoto. Madaxweyne Trump oo shir jaraa'iid qabtay Jimcihi wuxuu sheegay Ruushka ""inuu faragelinkaro"" doorashada sanadkan, balse wuxuu Trump meesha uu ka saaray inuu dalka Ruushka uu doonayo inuu ka caawiyo marlabaad inuu doorashada ku guuleysto. ""Waxaan u maleynayaa qofka ugu dambeeya uu Ruusha doonayo inuu madaxweyne ka noqdo Mareykanka uu yahay madaxweyne Donald Trump, ""cidna kama xoog badna sida aan anigu aaminsanahay."" Wuxuu sida oo kale sheegay Shiinaha inuu ""jecelyahay"" in doorashada looga guuleysto, isaga oo ku eedeeyey iney dalka Mareykanka hananayaan haddii doorashada uu ku guuleysto Joe Biden. Warmurtiyeedkan laanta sirdoonka ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya kaddib marki ay xubno ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ay sheegeen iney ka walaacsan yihiin waddamada shisheeye saameynta ay doonayaan iney ku yeeshaan cod bixinta. Hay'ado iyo mas'uuliyiin badan oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa hoosta ka xariiqay Ruushka inuu saameyn weyn uu ku lahaa doorashadi madaxweynaha ee 2016-kii dhacday. Madaxai hore ee FBI-da Robert Muller wuxuu baaritaan gaar ah uu u xilsaaray guddi baara codbixinta 2016-kii. Dad badan oo qayb ka ahaa ololihi doorashada madaxweyne Trump ayaa xabsiga loo taxaabay laguna soo oogay dambiyo la xiriira baaritaanka Mr Muller uu sameeyey. La-taliyihi hore ee amniga qaranka Michael Flynn waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu been ka sheegay xiriirka uu la laha mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Ruushka, iyada oo ay maxkamadda kiiski laashay. Racfaan laga qaatay dacwaddaasina dib u dhageysigeeda la billaabayo dabayaaqada bishan." https://www.bbc.com/somali/war-53704170 +entertainment Wiil uu dhalay Shah Rukh Khan ee indhaha saxaafadda ku wada jeedaan "Warbaahinta dalka Hindiya ayaa si aad ah u hadal haysa sheekada laba wiil oo dad caan ah ay dhaleen. Midka koowaad waa Aryan Khan, oo ah 23 jir ah wiilka uu dhalay xiddigga a Bollywood-ka Shah Rukh Khan, kaas oo la xiray subaxnimadii hore ee Axadda kadib markii lagu eedeeyay in uu xaflad ka sameeyay daawooyin madadaalo ah. Midka labaad waa Ashish Mishra, oo ah wiil uu dhalay wasiirka arrimaha gudaha ee Hindiya, kaas oo lagu eedeeyey inuu darawalkiisa ku amray inuu gaarigiisa jiirsiiyo dad beeraley ah oo mudaaharaadayay, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac. Khan iyo Mishra labaduba way beeniyeen eedeymaha loo soo jeediyay, islamarkana labadan kiis ma ah kuwa sina iskula xiriira. Laakiin qaabkii loola dhaqmay labada nin ee dhalinyarada ah ee ay fulinayeen laamaha ammaanka, iyo warbaahinta oo si baaxad weynayd ay u soo jiidateen kiiska Khan, ayaa horseeday in qaarkood ay su'aal geliyaan ajendaha qaar ka mid ah saxaafadda, waxayna ku eedeeyeen qaar ka mid ah inay isku dayayaan inay ""sawir xun ka bixiyaan Bollywood"" . Khan ayaa laga soo dejiyay markab dalxiis oo ka yimid Mumbai oo ah magaalada ay qoyskiisu ku nool yihiin - waxaa uuna xilligaas ku sii jeeday goobta loo dalxiis tego ee lagu magacaabo Goa. Xafiiska Xakamaynta Maandooriyaha (NCB), oo xiray isaga iyo dhowr qof oo kale , ayaa sheegay in lagu xiray arimo ""la xiriira , isticmaalka iyo iibinta waxyaabo sharci darrada ah"". 23 jirkan ayaa xabsiga lagu sii hayn doonaa ilaa 7-da bsihan Oktoobar. Falanqeeyayaasha ayaa sheegay, iyada oo ku saleysan waraaqaha qabashada Khan, in arrinta eedda daroogada ay u badan tahay in cadeymaha loo hayo ay tahay aad u yar oo aysan jirin sabab lagu sii hayo xabsiga. Qareenkiisa Satish Manshinde ayaa si adag u beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay. Wuxuu u sheegay garsooraha dhageysanayay kiiskii dammaanad loogu raadinayya Mr Khan in""laba jeer la baaray markii uu raacay doonnida"" iyo ""in aan laga helin wax koontarabaan ah"" mana jirto ""wax caddayn ah oo ah in uu daroogo isticmaalayay"". Dhacdada labaad waxay ku lug leedahay Ashish Mishra, oo ah wiilka ra'iisul wasaaraha Narendra Modi oo ay saaxiib yihiin wasiir Ajay Mishra, ka dib markii baabuur ka mid ah kolanyo ay wateen la sheegay in la jiirsiiyay koox beeraley ah oo mudaaharaad ka waday degmada Lakhimpur ee Uttar Pradesh. Guud ahaan, sideed qof ayaa la dilay. Ururada beeraha ayaa sheegay in laba mudaaharaadeyaal ah ay dhinteen markii la dul maray, laba qof oo kale oo dhaawac uu soo gaaray ayaa markii dambe ku dhintay isbitaalka, iyo saddex ka mid ah shaqaalaha BJP iyo darawalkii oo ay garaacayeen koox mudaaharaadaya. Wararkii ugu horreeyay ee arrintan ku soo saabsan ayaa iyaga oo soo xiganaya Ashish Mishra waxa uu sheegay inuu dhex marayay gaariga beeraleydan dibadbaxa dhigayay isaga oo ka baqdin qaba in ay waxyeelo u geystaan. Markii dambe wuxuu sheegay inuusan saarneyn gaariga markii falka uu dhacayay - tasai oo aabihii-na uu ku raacay. Kaddib markii ay mudaaharaadyo sameeyeen axsaabta mucaaradka iyo ururada beeraleyda ayaa ugu dambayntii boolisku subaxnimadii Isniinta baaritaan bilaabay oo aabbihii iyo wiilkii dacwad lagu soo oogay. Axaddii oo dhan, qaar ka mid ah telefishinnada ayaa tebinayay dhibaatada qoyska Khan. Waxaa la sawiray oo la duubay isaga oo ay booliisku wadaan gudaha iyo bannaanka dhismayaasha. Waxaa sidoo kale sawirada wiilka Mr. Khan aad loogu baahiyay baraha buslahad halka ay dad badan iskula wadaageen WhatsApp. Xiritaanka Khan ayaa mid ka mid ah wariyaasha waxaa uu ku tilmaamay inuu ahaa ""bur -bur weyn oo ka dhacay xaflad rave"", halka mid kale uu dalbaday in la joojiyo ""xiriirka ka dhexeeya Bollywood iyo daroogada"". Xrigga wiilka u dhalay xiddiga xiddigga a Bollywood-ka Shah Rukh Khan ayaa ahaa midka ugu sareeya wararka dalkaasi Hindiya." https://www.bbc.com/somali/war-58800238 +health Nin qaliin caloosha ah lagu samaynayay oo ay arrin kale ku dhacday Bukaan laga qalay caloosha ayaa la sheegay in dhuuntiisa ay ku dheceen ilko macmal ah, taasi oo in la ogaado ay qaadatay muddo 8 maalmood. 72 sano jirkan waxa uu sheeganayay xanuun dhuunta ah marka uu cuntada liqayo. Wuxuu booqday isbitaallo si qaliinno kala duwan ugu helo dhibkii haystay. Isbitaalka James Paget ee ku yaala Norfolk, England ayaa sheegay arrinka ninkan uu ahaa mid la yaab leh ayna wax ka qabteen. Lix maalin ka dib markii qaliin looga sameeyey caloosha, waxa uu tagay isbitaalka isaga oo ka cabayana qaadasha cuntooyinka. Dhakhaatiirta isbitaalka Gorleston waxa ay rumaysanyihiin inay arrintan sababtay markii bukaanka la siinayay daawooyinka ka hor inta aanan qaliinka lagu sameyn. Ka dib markii uu ninkan isbitaalka ku laabtay, muddo laba maalmood, dhakhaatiirta waxa ay eegeen dhuuntiisa, waxayna ku arkeen ilko macmal ah oo ku taagan. Dhakhatiirta waxa ay go'aansadeen inay qaliin kale ninkan uga sameeyaam dhuunta. Qalliinka ayaa halis geliyay noloshiisa, wuuna dhiig baxay taas oo sababtay inuu u baahdo in dhiig lagu shubo. Hazel Stuart, madaxa isbitaalka ayaa sheegay inay bilaabeen baaritan ka dhan ah sida ay arrintan u dhacday. https://www.bbc.com/somali/war-49356349 +health Da'da dumarka ay ku dhalmo daayaan mala kordhin karaa? "Waxaa aad loogu riyaaqay teknooloojiyadda casriga ah ee qaabilsan xallinta arrimaha taranka. Haweenka waxaa hadda suurogal ah in ay uur qaadaan ama ay dhalaanba iyaga oo dhaafay da'da dhalmada marka loo eego dumarkii hore, balse sidey macquul u tahay in teknooloojiyadda ay ka qeyb qaadato ilaalinta dhalmada? Dagan Wells, oo ah Barfasoor ka tirsan kulliyadda arrimaha taranka ee jaamacadda Oxford, ayaa sheegay in heerka dhalmada haweenka uu hoos u dhaco laga billaabo da'da 35, taasina ay tahay ""Mid kamid ah farqiyada ugu waaweyn ee u dhaxeeya ragga iyo dumarka, iyo sinnaan la'aan"". Sidoo kale, wuxuu hoos u dhac ku yimaadaa awoodda taranka ee ragga marka ay da' noqdaan balse hoos u dhacooda dhanka taranka wuxuu billowdaa xilli dambe marka loo barbardhigo haweenka. Taranka ragga wuxuu hoos u dhac ku yimaadaa laga billaabo da'da 40 ilaa 45 jir. Kumannaan sano oo lasoo dhaafay, haweenka waxay ahaayeen kuwo ku dhala 20 sano ama wixii ka yarba. Warbixin lasoo saaray sanadkii 2017-kii ayaa lagu sheegay in isku celcelis ahaan tirada haweenka ku nool dalalka la isku yiraahdo OECD ay ku dhalaan da'da 30. Warbixintu waxay muujineysaa in boqolkiiba 44 haweenka ku nool England iyo Wales ay ku dhalaan da'daas halka Kuuriyada Koonfureed ay isku celcelis ahaan tirada haweenka ku nool halkaas ku dhalaan da'da 31. Muddo tobonaan sano ah, seynisyahannada waxay la xiriirinayeen hoos u dhaca ku yimaada dhalmada haweenka inay ugu wacan tahay tirada ugxaanta oo hoos u dhacda. Taasi waxay ka dhigan tahay in marka ay haweeneyda da' sii noqoneyso ay hoos u dhacayaan tirada ugxanteeda. Haweeneyda marka ay dhalataba waxay leedahay malyan ugxaan ah. Marka ay qaan gaarto waxaa u soo haraya 300,000 oo ugxaan ah. Marka ay gaarto 37 jir waxaa usoo hara 25,000 ugxaan ah, halka xilliga ay 51 jir yihiin ay lahaadaan 1,000 ugxaan ah, waxaana markaas fal-galid diyaar noqda 300 ilaa 400 ugxaan. Bil kasta hal ugxan ayaa ku dhaceysa ilmo galeenka ama diyaar u ah in ilmo ay ka sameysmaan, lamana oga sababta ka dambeys arrintaas, dhammaan ugxanta kalena wey dhimanayaan. Inta badan haweenka waxay caadada ugu dhacdaa da'da 9 ilaa 13 jir balse ilma galeenkooda masoo daayo wax ugxan ah kaddib hal sano ama labo sano marka uu ku dhaco dhiigga caadada ee ugu horreeya. Waxaa sidoo kale jiri kara caddeymo muujinaya in tirada ugxanta haweenka ay hoos u dhacdo marka ay gaaraan da'da 33. In ta badan dumarka waxay dhalmo daayaan siddeed sano ka hor xilliga dhalmo deyska haweenka. Waxaa lagu ogaan karaa tirada ugxanta in baaritaan lagu sameeyo heerka nooca hormoonada ee loo yaqaano AMH ee dhiigga. Hormoonnadan ayaa kaalin weyn ka ciyaara kobaca unugyada ugxanta taranka ee ka qeyb qaata sameynta ilmaha. Heerka hormoonnadan ee dhiigga ayaa hoos u dhaca marka uu is dhimo heerka taranka ee haweenka. Andrea Gorysekova, oo ka tirsan Isbitaalka Mount Sinai ee dalka Canada, isla markaana qaabilsan arrimaha hooyada iyo dhallaanka, in muddo ahna baareysay sida looga hortagi karo hoos u dhaca ku yimaada heerka taranka ee haweenka oo ay sababto da'da, ayaa sheegtay in arrintaas ay sabab u tahay in haweenka ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin sida wewel iyo saameynta kiimikada ay ku reebto jirkooda. Inkasta oo ay adagtahay in la qiimeeyo tayada ugxanta, waxay warbixinta muujineysaa tayada hidde sidaha ee ku jirta ugxan kasta. Dagan Wells wuxuu sheegayaa in dhibaatooyinka ku habsada hidde sidaha ugxanta ay yihiin kuwo iska caadi ahbalse sidoo kale haweenka da'da yar ugxantooda ay lasoo darsaan dhibaatooyin dhanka hidde sidaha ah, inkastoo dhibaatadaas ay yar tahay isla markaana ay sare u kici karto marka uu qofka da' noqdo. Wells wuxuu sidoo kale sheegay in inta badan haweenka ay lumiyaan awoodda dhalmada marka ay gaaraan 45 jir, markaasoo ah sanado ka hor xilligga dhalmo baxa haweenka. Daraasado qaar waxay muujinayaan in tayada shahwada ragga ay hoos u dhac billowdo marka ay sii weynaanayaan laga billaabo da'da labaatameeyada. Daraasadda ayaa sidoo kale muujineysa in boqolkiiba 0.7 xawaaraha shahwada ragga ay ku gaari karto jirka ay hoos u dhacdo sanad kasta. ""Ugxanta waa unugyo gaar ah oo ay ku jiraan maaddooyin gaar ah,"" ayuu yiri Wells. ""Ugxanta waxay leedahay awood ay hakad ku geliso kobaceeda, muddo sanado ah ayayna shaqada joojin kartaa iyo sidoo kale inta uu kasoo deynayo ilmo galeenka xilligga u diyaargarowga uurka, Daraasadda uu sameeyay Wells waxay dhanka kale sheegeysa in awoodda ugxanta ay cunug ku noqon karto ay ku xiran tahay awoodda ah inay xajisan karto hidde sidaheeda xilliga ugxanta ay ku jirto shaqo ka fariisad. Andrea Gorysekova, oo ka tirsan Isbitaalka Mount Sinai ee dalka Canada, waxay sheegeysa in tayada ugxanta ay ku xiran tahay deegaanka iyo xaaladda caafimaad ee haweenka xilliga kobaca ugxanta, sidoo kale welwelka iyo kIimikada ayaa saameyn ku yeelan karta ugxanta. Dhibatooyinka lasoo darso haweenka marka ay da' noqdaan oo kaliya ma ahan in saameyn ay ku yeelato dhalmada, balse waxaa lasoo dersaa caafimaad darro xilliga ay uurka leeyihiin ama ay dhalayaanba. Daraasad laga sameeyay Mareykanka ayaa muujineysa in haweenka da'doodu ka sarreyso 40 ay la daalaa dhacayaan caafimaad darro marka ay uurka yihiin sida xanuunnada sokorta iyo dhiig karka. Haweenka 40 jirka ah ee dhala canugooda ugu horreeya, waxay boqolkiiba 50 halis ugu jiraan inay dhalaan canug xilliggiisa kasoo hormara, oo xaalaad caafimaad darro ah ku dhasha. Waxaa hadda si xowli ah u socda dadaallo la doonayo in wax looga qabto da'da dhalmo deyska haweenka oo la isku dayayo in la kordhiyo, tusaale ahaan, haweeney 74 jir ah oo u dhalatay Hindiya ayaa dhashay labo canug oo mataano ah kaddib markii muddo 57 sano ah ay qalliin mareysay si wax looga qabto dhibaatada heysatay. Haweeneydan, oo saddex sano ka hor ilmaha dhashay, labo jeer ayaa lagu guuldareystay in xaaladdeeda wax laga qabto. Horumarrada laga gaaray daweynta taranka tobonaankii sano ee lasoo dhaafay waxay ka qeyb qaateen sare u qaadidda badqabka, guulaha la gaaray iyo qiimaha jaban ee ku saabsan teknooloojiyadda qaabilsan taranka. Sanadkii 2014-kii, waxaa soo baxay boqolkiiba 9 hooyooyinka markii ugu horreysay dhala ilmo iyaga oo 35 jir ah balse haatan ku dhawaad 230 carruur ah ayaa waxaa sanadkii dhalaa hooyooyin ka sarreeyo da'da 50. Balse isticmaalka teknooloojiyaddan waxay ku xiran tahay da'da ugxanta, waxaana la isticmaali karaa ugxanta uu qof kale kuugu deeqay. Inta badan xarumaha caafimaadka waxay u oggolaadaan haweenka in ugxantooda ay ku keydiyaan qaboojiye tan iyo inta ay diyaar ka noqoneyso." https://www.bbc.com/somali/war-54085152 +sports Laacibka reer Brazil Ronaldinho oo xabsi-gurigii laga sii daayay "Laacibka reer Brazil Ronaldinho ayaa laga sii daayay xabsigii uu ku xirnaa ee guriga ahaa ee dalka Paraguay. Wuxuu ciyaartoygan u xirnaa heysashada baasaboorro been abuur ah. Ronaldinho oo koobka adduunka ku guuleystay iyo walaalkii ayaa muddo ku qaatay xabsi qol ah oo ku dhexyaalla hoteel qaali ah oo ku yaalla caasimadda Paraguay ee Asuncion. Labadoodaba waala sii daayay hadda, balse waa in ay bixiyaan illaa $200,000 oo dollar. Ronaldinho wuxuu lahaa mustaqbal dhalaalaya oo dhanka ciyaaraha ah ka hor inta uusan ka fariisan, sannadkii 2015-kii. Wuxuu qeyb ka ahaa laacibiintii Brazil ku hoggaamisay in ay hanato koobkiii shanaad ee tartamaha ciyaaraha adduunka ee 2002-dii. Sidoo kale wuxuu qaaday koobka Champions League iyo laba koob oo La Liga ah intii uu Bracelona u dheelayay. Wuxuu ka dib u ciyaaray kooxaha Paris Saint-Germain and Inter Milan. Bishii March, Isaga iyo walaalkii, Roberto de Assis Moreira - oo sidoo kale ah maamulaha ganacsigiisa - ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay in ay baasabooro been abuur ah ku galayeen dalka Paraguay. Ronaldinho wuxuu dalkaas u tagay in uu xayeysiiyo olole lagu hormarinayo carruurta u baahan taageerada dheeraadka ah. Wuxuu xuska dhalashadiisa 40-aad ku qaatay xabsiga. Ka dib ayaa loo ogolaaday inuu u wareego hoteel qaali ah oo si damiin ah uu ku degganaa. Dacwad-oogayaasha waxay aaminsan yihiin in laacibkan uusan ka warhayn inuu baasaboor been ah sitay, balse walaalkii uu arrintaa la socday. Si kastaba, labadoodaba waxay sheegeen in aysan dembi lahayn. ""Feejignaantii ahayd in la xiri karo ayaa meesha laga saaray, dhamaan xayiraadda ay saartay waaxda cadaaladda ee Paraguay na waa laga qaaday,"" ayuu yiri Garsoore Gustavo Amarilla oo Isniintii ka hadlay maxkamadda." https://www.bbc.com/somali/war-53902206 +politics Ninka ay geeridiisa qaska ka abuurtay Mareykanka "Geeridii George Floyd ayaa waxaa dhashay dibadbaxyo guud ahaan dalka Mareykanka, iyada oo ay dibadbaxayaasha ay ku baaqayaan in la soo afjaro dhibaatooyiinka ay booliika geystaan. Mr Floyd ayaa ahaa nin madow ah oo aan hubeysnayn islamarkana askari ka tirsan booliiska uu luqunta in ka badan 8 daqiiqo jilibka kaga hayay isaga oo ku qaaylinayay""ma neefsan karo"". George Floyd oo 46- sano jir ah ayaa ku dhashay waqooyiga Carolina waxaa uuna markii uu yaraa ku noolaa Houston, gobolka Texas, balse waxaa dhowr sano ka hor uu u soo wareegay magaalada Minneapolis oo uu shaqo ka helay, waxaa sidaasi sheegay Christopher Harris oo ay ilaa yaraantii ay saaxibo ahaayeen. Waxaa dadka jecel ay ugu yeeri jireen "" Floyd waynaa"" waxaa uuna ifka uga tagay gabadh 6 jir ah oo la nool hooyadeed Roxie Washington oo ku sugan Houston. Ms Washington ayaa u sheegtay wargeyska Houston Chronicle in uu ahaa aabe wanaagsan oo la korinayay gabadhooda, Gianna. Waxaa sidoo kale jirta gabadh uu saaxib la ahaa oo lagu magacaabo, Courteney Ross, oo iyadu sheegtay in geeridiisa ay ""qalbi jab"" ku keentay. ""in aan saka aan soo kaco magaalada Minneapolis waxay ahaan lahayd arrin uu ka nixi lahaa Floyd,"" waxay sidaasi u sheegtay wargeyska Star Tribune. ""Waxaa uu jeclaa magaaladan waxaa uu ka yimid Houston isaga oo u soo guuray magaaladan"" ayay intaa ku dartay. Mr Floyd xilligii uu iskuulka dhiganayay wuxuu ahaa ciyaaryahan hibo leh islamarkana waxaa uu ku fiicnaa ciyaaraha kubadda cagta iyo iyo kubadda koleyga. Mid ka mid ah dadkii ay isku fasalka ahaayeen Mr Floyd, Donnell Cooper, ayaa yiri ""waxaa uu lahaa shaqsiyad wanaagsan wuuna naxariis badnaa"". Ms Washington, ayaa sheegtay in Floyd uusan dhameyn iskuulka islamarkana uu bilaabay barashada Muusikada. Markii uu shaqo ka waayay magaalada Houston, waxaa uu u soo wareegay Minneapolis. Waxaa uu ka shaqeyay labo shaqo, oo kala ah mar uu ahaa darawal gawaarida xamuulka qaada iyo mar uu waardiye ka ahaa Hotel ay leeyihiin dad ka soo jeeda Latin Amerika oo lagu magacaabo Conga Latin Bistro. Mid ka mid ah macaamiish Conga, Jessi Zendejas, ayaa qoraal ay soo dhigay facebook waxaa ay sheegtay in Mr Floyd ""uu jeclaa in uu hab siiyo macaamiisha "", waxaa sidaasi ka soo xigtay wargeyska Star Tribune. ""Wuu xanaaqi jiray haddii inta aad istaagto aadan salaamin sababtoo ah waxaa uu si kal iyo lab ah u jeclaa in uu arko qof walba isaga oo faraxsan,"" ayay tiri. Sida ku cad dikumiintiyo maxkamadeed , Mr Floyd ayaa sanaddii 2007 lagu soo oogay dacwad ahayd in uu ahaa burcad hubaysan oo dhac u"" galay guri"", waxaa xilligaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah ka dib markii dambiga lagu helay 2009. Muuqaal uu dhawaan soo dhigay baraha bulshada, waxaa uu uga hadlay islamarkana ka soo horjeedsaday hubka loo adeegsado rabshadaha ""jiilkeena cusub way lumeen "". Isniintii , ayaa askari lagu magacaabo Derek Chauvin uu jilibka dhulka kula nabay isaga oo lagu eedeeynayo in uu goob dukaan ah uu wax uga iibsanayay 20 doolar oo been abuur ah. Derek Chauvin ayaa xabsiga loo taxaabay, islamarkana lagu soo oogay dacwad ah in uu dil gaystay. wuxuu ka mid yahay afar askari oo shaqada looga eryay sabab la xiriirka dhimashadii Mr Floyd, oo Isniintii geeriyooday isagoo ku jira gacanta booliska. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday mudaharaadyo rabshado iyo boob sababay oo ka dhashay caradii laga qaaday muuqaal baraha bulshada ku faafay oo laga arkayay askari jilibka qoorta uga haya George Floyd." https://www.bbc.com/somali/war-52869011 +religion Nin haweenka Muslimiinta ah ku iibin jiray online-ka oo la maxkamadeynayo "Booliska Hindiya ayaa shaaciyay inay maxkamadeyn doonaan nin lagu eedeeyay in uu sameeyay barnaamij app ah oo lagu iibinayay in ka badan 80 haween Muslmiin ah sanadkii hore. Arrintani ayaa timid kadib markii taliyaha booliska gobolka Delhi, VK Saxena, uu fasaxay in caddaaladda la horkeeno ninkan 25 jirka ah ee lagu magacaabo Omkareshwar Thakur. Baarnaamjika app-ka ah ee furan ee Soli Deals wuxuu hoostagayay adeeg kale oo Internet ah oo lagu magacaabo ""GitHub"". Omkareshwar Thakur waxaa la xiray bishii January ee sanadkan balse damaanad ayaa lagu sii daayay bishii March. Thakur oo ku takhasusay cilmiga kombiyuutarka ayaa markii hore lagu xiray magaalada Indore ee dhacda bartamaha gobolka Madhya Pradesh, waxaana gacanta kusoo dhigay boolis gaar ah oo qaabilsan dambiyada halista ah. Booliiska waxay diiwaan galiyeen kiisas isaga ka dhan ah iyadoo la raacayo qodobbo kala duwan oo ka mid ah xeerka ciqaabta ee dalka Hindiya, xeerka la xiriira dambiyada tignoolajiyadda ee Hindiya. Xeerka 196 aad ""dambiyada ka dhanka ah dawladda"" halkii ay gacanta ku heyn lahaayeen shakhsiyaad, waxaana inta badan lagu wareejiyaa saraakiisha sarsare ee dawladda kuwaas oo u baahan oggolaansho dawladda dhexe ama gobolka si ay u sii wadaan dacwadaha. Barnaamijka app-ka ah ee Soleil Deals ayaa lagu qaaday sawirro iyo muuqaallada haweenka Muslimiinta ah oo la heli karo, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin ""heshiisyo muhiim ah"". Thakur waxaa lala xiray nin kale oo lagu magacaabo Neeraj Bishnoi, oo 20 jir ah, kaas oo lagu eedeeyay in uu sameeay app la yirhaado ""PollyPay"", kaas oo uu galiyay sawirrada in ka badan 100 haween Muslimiin ah, waxaana app-kan martigeliyay GitHub. Si kastaba ha ahaatee, ma jirin iib dhab ah oo dhacay. Ujeeddadu waxay ahayd in la bahdilo haweenka Muslimiinta ah, kuwaas oo intooda badan ay ka hor yimid kor u kaca qarannimada Hinduuga ee uu garwadeenka ka yahay Ra'iisal Wasaare Narendra Modi, eedaymahaaas oo ay beeniyeen xisbigiisa iyo dawladduba. Dadka dhaleeceeya waxay sheegeen in falalka online-ka ah ee lagula kaco haweenka Muslimiinta ah ay ka sii dartay sannadihii u dambeeyay, marka loo eego jawiga siyaasadeed ee Hindiya. Warbixin ay soo saartay hay'adda Amnesty International sanadkii 2018 oo ku saabsan dhibaatooyinka ka dhasha internetka ee Hindiya ayaa lagu sheegay in mar kasta oo ay gabdhaha muujiyaan cabashadooda waxay halis u galaan in la beegsado, waxaana bartilmaameedsigaas uu saameeyay haweenka saboolka ah iyo dadka laga tiro badan yahay ee aaminsan diimaha qaar. Horraantii sanadkan ayay aheyd markii booliska laba gobal oo ka mid ah goballada dalka Hindiya ay diiwaan geliyeen kiisaska in ka badan 100 gabdhood oo Muslimiin ah kuwaas oo sawirradooda oo lagu sheegay inay iib yihiin lagu soo bandhigay baro online ah. Waxyaabaha lagu eedeeyay dadka arrimahaan loo haysto waxaa ka mid iibinta haweenka, sameynta Application-ka loo isticmaalayay baraha bulshada ee lagu soo bandhigay sawirrada dumarkan, daabacaadda xayeysiinta iyo sawirrada. Waa isku daygii labaad oo dhowr bilood gudahood ah isla markaana dumarka Muslimiinta ah loogu gaysto xadgudub ku saabsan in lagu soo bandhigo sawirradooda iyadoo lagu beecinayo baraha Internedka. App-ka iyo mareegaha internet-ka ayaa kor u qaaday macluumaad ku saabsan in ka badan 80 haween Muslimiin ah oo bishii Juulay la isticmaalay sawirradooda laguna soo bandhigay qadka Interneedka iyadoo la beecinayo. Ujeedda arrintaan laga leeyahay ayaa lagu sheegay inay tahay aflagaaddo loo gaysanayo haweenka Muslimiinta ah iyo sumcad dil . Sanadihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in dalka Hindiya ay kor u kaceen weerarada iyo aflagaaddada loo gaysanayo haweenka Muslimiinta ah." https://www.bbc.com/somali/articles/cd12pdnj6pwo +politics Saddex si oo uu madaxweyne ku sii ahaan karo Uhuru Kenyatta, muddo xileedkiisa kaddib "Doorashooyinka ka dhaca Kenya waxaa caado u ah in si adag loogu loollamo, balse doorashadii laga codeeyay 9-kii bishan August waxay noqotay tii ugu adkayd ee soo marta taariikhda waddankan, gaar ahaan marka uu madaxweynaha sii jiray dhammaystay muddo xileedkiisa. Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo sii dhammaysanaya labo muddo xileed oo isku xigtay ayaa sugaya qofkii kala wareegi lahaa kursiga, sida uu dastuurku qabo. Kenyatta waxa uu si wayn u taageerayaa hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga oo uu hadda la safan yahay, isagoo kasoo horjeeda ninka madaxweyne ku xigeenka u ahaa tobankii sano ee uu hoggaanka hayay. Inkastoo uu horay u ballan qaaday in uu garab istaagi doono Ruto, oo qudhiisa labo doorasho lasoo taagnaa, waxa uu ka door biday in uu ka shaqeeyo sidii uu xilka ugu wareejin lahaa Raysul Wasaarihii hore, oo 77 jir ah, markii shanaadna u taagan tartanka madaxweynaha, oo uusan weligiis ku guulaysan. Labo murashax oo kale ayaa ka qayb galay loollanka loogu jiro jagada ugu sarraysa dalka, kuwaasoo kala ah George Wajackoya iyo Waiga Mwaure. Inkastoo ay suurtagal tahay in bisha September uu xukunka la wareego murashaxa ku guulatsa doorashada, haddana waxaa jira arrimo haddii ay dhacaan sababi kara in dalku uu ilaa sanadka dambe sugo dhaarinta madaxweynaha shanaad. Taasi waxay ka dhigan tahay in waqti dheeraad ah uu xilka sii hayn doono Uhuru Kenyatta, ilaa laga helo qofkii baddali lahaa. Qodobka 142(1) ee dastuurka Kenya ayaa dhigaya, ""Madaxweynuhu waxa uu xafiiska la wareegayaa oo uu muddo-xileedkiisu billaabanayaa taariikhda la dhaariyo, waxa uuna waqtiga xilka u dhammaanayaa marka madaxweyne cusub la dhaariyo."" Madaxweyne Kenyatta horay ayuu shacabka Kenya uga saaray cabsida la xiriirta in uu xilka isku sii dhajin doono 10-ka sano ee sharciga u ah kaddib waxa uuna u xaqiijiyay in doorashada ay ku dhici doonto waqtigeeda, oo ku beegnaa 9-ka August, 2022-ka. Arrintaas waxa uu meesha uga saaray dad ku dhaleeceynayay inuu qorsheynayo sii joogitaanka xafiiska madaxtooyada. Balse maxay yihiin arrimaha sababi kara in waqtiga uu xilka haynayo Madaxweyne Kenyatta uu dhaafo xilligii uu dastuurka u asteeyay? Toddobo maalmood gudahood markii lagu dhawaaqo natiijada waxaala gudbin karaa dacwad cabasho ah oo la gaarsiiyo Maxkamadda ugu sarraysa Kenya. Sida caadiga ah, haddii wax dacwad ah oo looga soo horjeedo natiijada la gudbin waayo ilaa 23-ka August waxaa 30-ka August la dhaarin doonaa Madaxweyne cusub. Dastuurka ayaa qaba in 14 maalmood gudahood marka natiijada ay ku dhawaaqaan guddiga IEBC la dhaariyo guulaystaha. Maxkamadda ugu sarraysa waxay haysataa 14 maalmood oo ay go'aan ku gaarto haddii loo gudbiyo dacwad ka dhan ah natiijada. Taasi waxay sababi kartaa in dhaarinta madaxweynaha dib loo dhigo ilaa 13-ka bisha September. Haddii natiijada waxba kama jiraan laga soo qaado, sidii dhacday 2017-kii, waxaa la qaban doonaa doorasho cusub oo ku dhici doonta 60 maalmood gudahood. Doorashada madaxtinnimada Kenya sharcigeeda waxa uu dhigayaa in murashax uu guulaysanayo haddii uu helo wax ka badan kalabar ka mid ah codadka guud ee doorashada. Sidoo kale waa in uu murashaxu helo ugu yaraan 25% ka mid ah codadka laga riday mid walba oo ka mid ah wax ka badan kala bar 47-da maamul goboleed ee dalka. Haddii murashaxiinta midna uu heli waayo tiradaas waxaa khasab noqonaysa in la aado doorasho kale oo ku dhacaysa 30 maalmood gudahood. Taasina waa sabab kale oo kallifaysa in Uhuru Kenyatta uu sii hayo xilka waqti ka dheer muddo xileedkiisa sharciga ah. Xaaladdaasoo kale marka ay imaato, wareegga labaad ee doorashada waxaa galaya labada murashax ee haysta tirada ugu badan ee codadka doorashada. Markii hore doorashada madaxweynaha Kenya waxaa u taagnaa afar murashax oo kala ah Raila Odinga, William Ruto, George Wajackoyah iyo David Waihiga Mwaure. David Waihiga waxa uu ku dhawaaqay in laga guulaystay, halka Wajackoyah uu yahay murashaxa kaalinta saddexaad ku jira. Sidaas awgeed, haddii ay dhacdo in wareeg labaad la aado waxaa u soo baxaya oo keliya Ruto iyo Odinga. Xilli uu tartanka doorashada madaxweynaha xasaasi yahay, geerida mid ka mid ah afarta murashax - oo ah xaalad aysan jirin cid jeclaan lahayd - waxay horseedi kartaa dib u dhac. Islamarka la laalo natiijada doorashada waxaa la guda galayaa diyaargarowga doorasho cusub oo lagu qabanayo 60 maalmood gudahood. Waxaa kale oo doorashada dib u dhigi kara haddii ay musiibo qaran dhacdo. Wax kasta oo doorashada waddadeeda ka leexiya waxay sababayaan in madaxweynaha xilka haya uu sii joogo xafiiska." https://www.bbc.com/somali/articles/ce5ypyx8l27o +entertainment Shah Rukh Khan: Labadii sano ee lasoo dhaafay dhowr jeer ayaa shaqada la iga eryay "Shah Rukh Khan oo ah mid ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood ayaa wareysi khaas ah oo uu siiyay BBC-da ku faahfaahiyay sababta ay sanadihii ugu dambeeyay filimadiisa u guuleysan waayeen, wuxuuna sheegay in dhowr jeer shaqada laga eryay. Wuxuu sidoo kale wareysigaas oo ku baxay barnaamijka BBC-da ee Talking Movies(Filimada Hadla) uga hadlay waxa uu doonayo inuu dhaxalkiisa noqdo. Shah Rukh Khan ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay nin taageero weyn ku leh guud ahaan dunida, waana mid ka mid ah xiddigaha filimada ee ugu caansan caalamka. Waxaa magaciisa ku diiwaangashan ilaa 80 filim oo uu kasoo muuqday isagoo atoore ka ah. Ilaa horaantii 1990-meeyadii, Shah Rukh Khan filimadiisa waxay ahaayeen kuwo la jecleysto, waxayna heer sare ka galayeen tartamada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba. Laakiin dhowrkii sano ee ugu dambeysay filimo uu atoore ka ahaa xiddigan ayaa ku guul darreystay inay suuqa si fiican u galaan, qaarkoodna waxay noqdeen kuwo gabi ahaanba ku burburay shirkadda filimada qiimeysa ee Box Office-ka. Maxay tahay sababta ay filimadaadu dhulka u galeen? Shah Rukh ayaa su'aashan uga jawaabay si cajiib ah, isagoo qiray in guusha iyo guuldarraduba ay qeyb ka yihiin howlaha. ""Shaqadan waxaan kusoo dhex jiray muddo aad u dheer, dadkuna xoogaa waxay mararka gaar la kulmayaan wax dhiba, sababtoo ah dhammaan filimada waxaan galineynaa dadaal badan, farxad iyo wanaag, laakiin waxaasoo dhan filim fiican kama soo baxayo, waa inaad sheegtid qiso fiican. Anigoo qaddarinaya dhammaan dadkii ku lug lahaa filimadeydii aan guuleysanin, aniga runtii waxaan aaminsanahay inaysan jirin sabab uu filim ku xumaan karo oo aan ahayn inaan qiso fiican sheegi waayay, taas ayaana ah sababta ay dhammaan filimadan u guul darreysteen"", ayuu yiri Khan. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in dhowr jeer shaqada laga eryay labadii sano ee ugu dambeysay. ""Aniga dadka ayaan kusoo jiidaa filimka, haddii aanan qancin karin madaxdeyda waa la iga eryayaa shaqada, xitaa labadii sano ee lasoo dhaafay dhowr jeer ayaa la iga buriyay shaqada. Fursad ayey isiin doonaan mar kale, waan soo noqon doonaa, waana qancin doonaa"", ayuu yiri isagoo dhoollacaddeynaya. Mar la weydiiyay waxa uu dhaxal ahaan uga tagayo jiilka ka dambeeya ayuu yiri: ""Waxaan jeclaan lahaa inaan gudbiyo dhaqanka ku saabsan in dadaal adag la sameeyo, oo aan la niyad jabin, wax walba oo adagna la wajaho islamarkaana uusan marnaba qofka isdareensiinin inuu dadaal badan sameynayo. Guushaada ka dhigo funaanad, balse haka dhiganin Jaakad"". Mid ka mid ah filimadii ugu waaweynaa ee sida weyn ugu guuleystay Shah Rukh Khan waa Dilwale Dulhania Le Jayenge, wuxuuna markii uu wareysigan bixinayay sheegay in marnaba uusan filaneynin inuu filimkaas sidaas heersare u gaari doono. Filimkaas caanka ah ayaa soo baxay sanadkii 1995-kii, waxaana ku wehlineysay atariishada caanka ah ee lagu magacaabo Kajol." https://www.bbc.com/somali/war-50783068 +business "Carruurta lagu la'yahay Nigeria: ""Waxaan ku khasbanaaday inaan labadeyda cunug mid ka tago midna badbaadiyo""" "Sheekooyin aad u naxdin badan ayaa ka dambeeya dadka lagu la'yahay waddanka Nigeria, kuwaasoo u badan carruur, tanina waa qisada qalbiyo badan gilgishay ee ku saabsan hooyo ku khasbanaatay inay labadeeda cunug mid ka dhaqaaqdo, iyadoo weerar uu ku socdo. Hooyadan da'da yar oo lagu magacaabo Asibi waxay weysay wiilkeeda 5 sano ka hor, mar ay ka baxsaneysay weerar ay xaafaddeeda kusoo qaadeen xoogagga kooxda Boko Haram. Hase yeeshee, waxay dad badan uga duwan tahay qisada xanuunka badan ee ay mar walba ku qarawdo, taasoo sida ay BBC-da u sheegtay, aysan marnaba illoobi karin. ""Waxaan ogaa in haddii aan carari waayo, halkaasna ay igu soo gaaraan kooxda Boko Haram, inay i dili lahaayeen aniga iyo dhammaan carruurteydaba, taas ayeyna ahayd sababtii igu kalliftay inaan ka tago wiilkeyga, ilaa maantana waan ka qoomameeyaa go'aankaas"", ayey tidhi Asibi. Waxay haweeneydan wajahday kala doorasho aan macquul ahayn. Wiilkeeda yar waxaa xanuunayay lugaha, maadaama ay habeenkii oo dhan isku qarinayeen meel ciriir ah, mana uusan awoodin inuu intaas ka badan sii lugeeyo. ""Wiilkeyga Shuceyb ma uusan socon karin, anigana waxaa la iiga baahnaa inaan si deg deg ah go'aan ku gaaro, haddii ay tabarteyda ii saamixi lahayd inaan xambaaro, waan xambaari lahaa laakiin ma awoodin inaan labadoodaba isla qaado hal mar"". Iyadoo cabireysa xanuunka joogtada ah ee ay dhacdadaas sababta u tahay ayey tidhi: ""Marxaladda aan maalinkaas ku sugnaa mar walba qalbigeyga ayey kusoo noq-noqotaa, Waxaan dhabta ku heystay cunug yar oo naaska jaqaya, aad buu u oynayay cunugga yar, sidaas awgeed waxaa khasab igu ahayd inaan ka tago hal cunug"". Asibi ayaa iyadoo aad u ilmeyneysa BBC-da u sheegtay in wiilkeeda uu mar kasta qalbiga uga taagan yahay. ""Waxay ahayd xaalad ciriir badan sidii aan wiilkeyga ku waayay, laakiin mar walba waan ka fikiraa isaga uun, xilli kasta oo aan ka fikirana waan sii qalbi jabaa, siduu Alle igu ogyahay"". In ka badan 22,000 oo qof ayaa ilaa hadda lagu la'yahay dagaallada ka dhaca waddanka Nigeria, qoysaska ay dadkan ka maqan yihiin ayaana dowladda ka diiwaan galiyay tiradan. Hase yeeshee, hay'adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in dadka maqan tiradooda saxda ah ay intaas aad uga badan tahay. In dib loo mideeyo dadka la la'yahay iyo qoysaskooda sugaya ayaa lagu tilmaamay arrin aad u adag, inkastoo uu dadaal jiro. Hooyadan oo lagu magacaabo Yamiram waxay maqashay in la helay wiilkeeda oo ka maqnaa muddo 4 sano ah. Aaad bay u faraxday, laakiin goor dambe waxay ogaatay in qofka la helay uusan ahayn wiilkeeda balse uu yahay mid lagu khalday magaciisa, wayna muraara dillaacday. 60% ka mid ah dadka maqan waxaa la sheegay inay yihiin carruur. Waxaa jiray dad tiro yar oo nasiib u yeeshay inay qoysaskooda dib ula midoobaan. Kumannaanka ruux ee maqan, waxaa dib loo helay 367 ruux oo kaliya." https://www.bbc.com/somali/war-49702953 +entertainment Jilaaga u dhashay Hindiya: Aamir Khan iyo xaaskiisa oo kala tagey "Jilaaga caanka ah ee Aamir Khan iyo xaaskiisa Kiran Rao ayaa shaaciyay inay ka kala tageen kadib muddo 15 sano ah oo ay wada joogeen, sida lagu sheegay bayaan si wadajir ah ay usoo saareen. Waxay sheegeen inay iskala shaqeyn doonaan sidii ay korsan lahaayeen wiilkooda Azad Rao Khan. ""Muddadii 15-ka sanada aheyd ee aan wada joognay ee inaga dhexeeyay xiriirkii jaceyl ee ku dhisnaa qaddarinta iyo is aaminaadda waxaan go'aansaday in aan bilowno bog cusub oo ah in aanan sii wada joogi doonin"" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay lamanayaashan hore. Waxay labadooda ka tirsan yihiin shirkadda Bollywood, waxay sheegeen inay sii wadi doonaan mashaariicyo kale oo ka dhexeeyay oo ku saabsan soo saarista filimo. ""Waxaan sii wadi doonaa wadashaqeynta ku aadan soo saarista filimada , mashruuca Paani iyo mashruucyo kale oo aan jecelnahay in aan soo bandhigno"" Salman Khan oo qayb ka noqon doono Filimka cusub ee Shahrukh Khan Maxaa Salman Khan loogu haystaa sawirka? Hantida uu leeyahay Shah Rukh Khan Aamir Khan iyo Kirao waxay sheegeen in mar hore ay qorsheeyeen inay kala tegaan balse haatan ay ku faraxsan yihiin inay ka dhabeeyaan go'aankaas. Waxay labadooda is barteen xilli ay jilayeen filinkii caanka ahaa ee Lagaan, Kiran waxay ka aheyd agaasime ku xigeenkii filimka. Bishii Diseembar sanadkii 2005 ayay wada aqal galeen Aamir Khan iyo Kiran, waxay sanadkii 2011 u dhashay Azad. Aamir wuxuu horraan guursaday Reena Dutta oo u dhashay gabadh iyo wiil." https://www.bbc.com/somali/war-57705521 +health Falal dembiyeedka Koonfur Afrika oo hoos u dhacay xayiraadda korona awgeed "Warbixin rasmi ah oo ay soo saartay xukuumadu ayaa muujisay in falal dembiyeedku ay dalka Koonfur Afrika hoos u dhaceen 40% saddexdii bilood ee dalku ku jiray xayiraadda. Wasiirka booliska ayaa sheegay in noocyada falal dembiyeedka dhamaantood ay hoos u dhaceen intii u dhaxaysay Abriil iyo Juun, waxaana ka mid ah falalkaa yaraaday kufsiga iyo guryaha la gubo. Wuxuu intaa ku daray in xeerkii lagu mamnuucay khamriga ee muranku ka dhashay intii xayiraadda ka hortagga fayraska korona uu gacan ka geystay arintaas, laakiin ay kordheen weerarrada dhaca ah ee lagu qaado dukaamada iibiya khamriga. Maxaad kala socotaa dalka kaalinta koowaad qaarada Afrika kaga jira Feyriska Corona? Laamiyada Koonfur Afrika oo ay libaaxyo ku laafyoonayaan Koonfur Afrika waxay ka mid tahay dalalka ugu falal dembiyeedka badan dunida, waxaana sidoo kale laga helay kala badh tirada dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19 qaaradda Afrika. In ka badan 500,000 oo qof ayuu ku dhacay cudurku waxaana u dhintay 11,000 oo qof, in kasta oo tifaftiraha arimaha Afrika ee BBC-da Mary Harper, sheegtay in ay sababtu noqon karto habka baadhitaanka dalkaas oo ah mid si sax ah natiijada u soo saara. Wasiirka booliska, Bheki Cele, ayaa Jimcihii u sheegay warfidiyeenka in warbixintu ""muujinayso sawir aan hore loo arag oo wanaagsan oo aad moodo in falal dembiyeedkii fasax ka galeen Koonfur Afrika"". Wuxuu sheegay in ""tirakoobku muujinayo in ay dhamaan falal dembiyeedku aad hoos ugu dhaceen marka la barbar dhigo mudadaas oo kale sannadkii hore siday ahaayeen."" Waxaanu intaa ku daray in ay ""hoos u dhaceen falal dembiyeedka kufsigu 40% saddexdii bilood ee u dambeeyey"". Waxa sidoo kale hoos u dhacay falal dembiyeedka boobka ah iyo jabsashada guryaha oo ay ku jiraan guryaha la gubo oo iyaguna hoos u dhacay 29%. Bishii Abriil markii xayiraadda dalka lagu soo rogay, ayaa Cele wuxuu digniin uu bixiyey ku sheegay in boolisku ""baabiin doonaan goobaha khamriga sida sharci darrada ah loogu iibiyo"". Hase yeeshee wasiirka booliska waxa lagu eedeeyey inuu dhiirigeliyey in boolisku ciqaabaan dadka ay ku qabtaan iyaga oo khamri ku cabaya goobaha la isugu yimaad, ilaa xataa eedaha qaarkood tibaaxeen in ay boolisku nin ay ku dhex garaaceen beertiisa qudha ka jareen. Koonfur Afrika oo 70 kun oo askari u diyaarisay in ay dadka guryaha ku celiyaan Ganacsatada makhaayadaha iyo baararka khamriga ayaa sidoo kale ka mudaharaaday mamnuucidda khamirga waxaanay sheegeen in amarkaasi dilayo ganacsigooda. Bishii hore ayaa booliska Koonfur Afrika soo bandhigay warbixin tirokoob guud ah oo ku saabsan falal dembiyeedyada ka dhacay dalka sannadkii 2019/2020. Sannadkii hore wadarta guud ee ah falalka dhaca baabuurta iyo meheradaha ganacsiga ayaa ka badnayd intii sannadkii ka horeeyey dhacday. Sidoo kale waxa badnaa falal dembiyeedka kufsiga, dadka iyaga oo sakhraansan gawaadhida wada iyo sidoo kale haysashada hubka sharci darrada ah." https://www.bbc.com/somali/53792763 +technology Dr Abdul Qadeer Khan: Aabbihii nukliyeerka Pakistan oo geeriyooday "Saynisyahankii nukliyeerka ee Pakistan, Dr Abdul Qadeer Khan, ayaa saaka arroortii geeriyooday, wuxuuna ahaa 85 sano jir. Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan Pervez Khattak ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray warka geerida saynisyahanka isla markaana geeridiisa ku tilmaamay inay murugo weyn u tahay Pakistan. Khattak ayaa qoraalkiisa ku yiri: ""Pakistan mar walba way xushmeyn doontaa shaqada uu Dr. Khan u qabtay dalka. Waddanka mar walba abaal buu Khan uga hayaa xoojinta awooddeeda difaaca. Sida laga soo xigtay Radio Pakistan, Dr Qadeer Khan ayaa la geeyay isbitaal, kaddib markii ay xaaladdiisa caafimaad ka sii dartay. Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa qoraal uu Twitter-ka soo dhigay sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Dr. Qadeer Khan. Qoraalkiisa, ayuu Imran Khan ku yiri: ""Geerida Dr Abdul Qadeer Khan waa mid aad murugo u leh. Dadka aad bey u jeclaayeen sababo la xiriira doorka muhiimka ah ee uu ku lahaa quwadda nukliyeerka Pakistan. Tan waxay Pakistan ka difaacday dalka deriska la ah ee nukliyeerka ku hubeysan. Wuxuu dadka Pakistan u ahaa dhiirrigeliye. Wasiirka Warfaafinta Pakistan Chaudhry Fawad Hussain, ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Dr. Qadeer Khan. Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka, ayuu Chaudhary Fawad Hussain ku yiri, ""Dalka oo dhan waxaa naxdin ku noqotay geerida Dr. Qadeer Khan. Waxa uu dalku u qabtay wax loo dhigo ma laha. Dr Abdul Qadeer Khan wuxuu ku dhashay Bhopal, intii aysan Hindiya kala qeybsamin. Dr. Khan ayaa Pakistan la yimid dhammaan qoyskiisa, kaddib kala go'ii Hindiya. Dr Abdul Qadeer Khan ayaa maalmihii la soo dhaafay isbitaalka lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad. Dr Khan waxaa sidoo kale lagu magacaabaa aabbaha barnaamijka nukliyeerka ee Pakistan. Toddobaadkii labaad ee bishii la soo dhafaay, wuxuu dowladda Imran Khan ku eedeeyay inay dayacday. Abdul Qadeer Khan, wuxuu udub dhexaad u ahaa fadeexaddii nukliyeerka adduunka ee sannadkii 2004. Waxaa lagu eedeeyay faafinta agabka nukliyeerka. Sidoo kale madaxii hore ee ciidamada Pakistan iyo Madaxweyne Pervez Musharraf, ayaa arrintaasi ku eedeeyay Khan. Farriin muuqaal ah, ayuu Dr Khan ku qirtay inuu teknolojiyadda nukliyeerka ka iibiyay Iran, Kuuriyada Waqooyi iyo Libya. Balse markii dambe wuu ka laabtay. Sannadkii 2008, wuxuu Dr Khan wareysi uu siiyay wargeyska Britain ka soo baxa ee The Guardian ku sheegay in cadaadis uu uga imaanayay Madaxweyne Pervez Musharraf, taasina ay tahay sababta uu u codsaday inuu iibiyo. Dr Khan ayaa sheegay in arrintaas uusan ka qiran maskaxdiisa, balse uu cadaadis saarnaa. Wareysiga, ayuu ku sheegay inuu sidoo kale diiday inuu u hoggaansamo baaritaanka Hay'adda Quwadda Atoomikada Adduunka. Dr. Qadeer Khan ayaa yiri: ""Maxaan ula hadlayaa? Ima quseyso. Ma aynaan saxiixin heshiiska nukliyeerka. Meel ugama dhicin shuruucda caalamiga ah. Dr Khan ayaa u sheegay Majaladda Dawn, mid ka mid ah wargeysyada ugu caansan Pakistan: ""Aad ayaan u niyad jabsanahay. Midna Ra'iisul Wasaare Imran Khan iyo xubin ka mid ah golihiisa isma weydiin caafimaadkeyga."" Dr. Qadeer Khan ayaa sidoo kale loogu yeeraa 'Mohsin-e-Pakistan' Ilaaliyaha Pakistan. Sida uu tebiyay Radio Pakistan, waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla gudaha dalkaas kaddib markii ay xaaladdiisa ka dartay. Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Pakistan (AAP), Dr Khan ayaa 26-kii August la geeyay Research Laboratories Hospital kaddib markii uu ku dhacay xanuunka Covid-19. Kaddib waxaa la geeyay isbitaalka ciidamada oo ku yaalla Rawalpindi, halkaas oo markii ay xaaladdiisa ka sii dartay lagu xiray qalabka qofka Oksojiinta ka caawiya. Markii Dr Khan la geeyay isbitaalka, hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn Pakistan, Shahbaz Sharif ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka walaac kaga muujiyay xaaladdiisa. Qoraalkiisa, ayuu Sharif ku yiri, ""Warka Fakhr-e-Pakistan Dr Abdul Qadeer Khan oo lagu xiray qalabka hawada Oksojiinka waa mid aad murugo u leh. Waxaan bulshada ka codsanayaa inay u duceeyaan Dr Khan.""" https://www.bbc.com/somali/war-58861564 +health Haween ka badbaaday bambooyinkii atoomigga ee lagu dhuftay Hiroshima iyo Nagasaki "Bishan August waxaa la xusayaa sanad guuradii 75-aad ee ka soo wareegtay markii bamkii Atoomigga 1945-kii lagu dhuftay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki ee dalka Japan. Tirada dadka bamkaasi ku dhintay waa qiyaas, hase yeeshee waxaa lagu sheegaa 140,000 oo qof oo ka mid ahaa 350,000 oo qof oo Hirooshima ku noolaa markaas, halka magaalada Nagaasakina ay ku dhinteen 74,000 oo ruux. Bamkaasi ayaa wuxuu sababay inuu istaago dagaalkii ka socday qaaradda Aasiya, iyada oo ay Japan isu dhiibtay xulafadii uu hoggaaminayay Mareykanka, taariikhdu markii ay ahayd 14-kii bishii August ee sanadkii 1945-kii. Balse dhinacyada dhaleeceeya Japan ayaa sheegaya iney marki horeba Japan qarka u saarneyd iney isa soo dhiibto. Dadkii bamkaasi ka badbaaday ayaa dalka Japan looga yaqaannaa hibakusha. Haddaba dadkaas waxaa soo wajahday xaalad adag kaddib marki ay dhibaato kala kulmeen waxyeellada ka dhalatay shucaaca bamka iyo waxyeella kale oo maskaxeed intaba. Wariye sawir qaade ah oo u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabo Lee Karen Stow oo ku takhasusay sheegidda sheekooyinka ayaa soo arkay haweenka bambaaksi ka badbaaday, wuxuuna kala kulmay dhacdooyin cajiib ah oo taariikhi ah. Stow wuxuu sawirro ka qaaday isla-markaana uu wareysi la yeeshay seddex ka mid ah haweenkaasi oo uga warramay xusuustooda dareenka leh ee ay maskaxda ku hayeen 75 sano. Qoraalka sheekadan ayaa waxaa laga yaabaa akhristayaasha qaar iney kala kulmaan waxyaabo ay ka naxaan. Teruko 15 jir ayey ahayd markii ay ka badbaadday bamkii Hiroshima lagu dhuftay 6-dii August 1945-kii. Xilliga duqeynta qunbuladda Atoomigga magaalada Hiroshima lagu dhufanayey waxaa sanadka labaad u marayey waxbarashada kalkaalisanimada oo ay ku qaadaneysay Isbitaalka laanqeyrta cas ee Hiroshima. Marki bamka magaalada lagu dhuftay guriyihii ay ardayda seexanayeen dab ayaa qabsaday. Teruko waxay qayb ka ahayd dadki dabka daminayey, balse qaar badan oo ka mid ah saaxibbadii ay wax wada baranayeen ayaa qaraaxaasi ku dhintay. Waxyaabaha ay weli sii xusuusato oo aan maskaxdeeda ka bixin ayaa waxaa ka mid ah iney habeen iyo maalinba shaqeyn jirtay si ay u dabiibto dadka ay dhaawacyada aadka u culus qaraxaasi ka soo gaareen, iyaga oo aan wax cunna ah helin, biyo aad u yar mooyaane. Markii ay qalin jabisay kaddib, Teruko waxay ka shaqa gashay isla isbitaalka ay wax ka baraneysay, iyada oo gacan ka geysaneysay daweynta maqaarka ku lug leh. Waxaa inta badan bukaannada loo sameynayey qofka jirkiisa meesha fayoow in maqaarka qayb laga jaray qaybaha jirka ee gubtayna lagu beero. Kaddib waxay guursatay nin sideeda oo kale bamka atoomigga ka badbaaday. Teruko ilmaheedii ugu horreeyey oo gabar ahayd markay uurkeeda yeelatay, waxay aad uga welweleysay ilmaha caloosheeda ku jiro inuu caafimaad qab ku dhalanayo iyo inuu xitaa noolaanayo. Gabadheeda Tomoko wey dhalatay waxayna ku kortay barwaaqo, taasoo Teruko qoyskeeda geesinimo dheeraad ah gelisay. ""Cadaab kuma aanan jirin, oo magaranayo cadaab waxa uu yahay, balse waxa aan soo marnay cadaab wax u eg ayey ahayd. Waana inaan mar kale la oggolaan iney waxaasi oo kale dhacaan,"" ayey tiri Teruko. ""Waxaan arkaa dad badan oo dadaal adag ugu jira, in hubka nuclear-ka la baabi'iyo. Balse waxay ila tahay iney taa ka horreyso dowladaha hoose iney iyagu qaadaan tallaabooyin wax u ool ah."" ""Kaddib waxaan gaareynaa madaxda dalalka, kaddibna caalamka oo dhan."" ""Dadku waxay sheegaan in dhulkan uusan caws iyo geed midna kasoo bixin muddo 75 sana ah, balse Hiroshima waa ay ka soo kabatay oo waa magaalo cagaaran oo uu wabi maro"" ayey tiri Tomoko oo ah gabadha ay dhashay Teruko. ""Balse dadki ka badbaaday bamkaasi ayaa weli la kulmaya shucaac muddo badan ka taagnaa magaalooyinkaasi bamka lagu dhuftay 75 sano ka hor."" ""Inkasta oo ay xusuusta Hiroshima iyo Nagasaaki ka sii baxeyso maskaxda dadka, annagu waxaan hadda taagannahay isgoys."" ""Mustaqbalka gacanteenna ayuu ku jiraa. Nabadda waxay suuragaleysaa oo keli ah markaan mala awaalno, ka fikir dadka kale, isku day waxa aan sameyn karno, ficil samee oo sii wad dadaal aan kala joogsi laheyn si nabad loo helo."" Kuniko oo ah gabadh Teruko ayeeyada u tahay waxay intaasi ku dartay: ""Aniga lama kulmin dagaal ama bam toona, anigu waxaan aqaannaa oo keli ah magalada Hiroshima ee dib loo dhisay. Wixii dhacay waan malaawaali karnaa oo keli ah."" ""Dadka bamkaasi ka badbaaday ayaan wax badan ka maqlaa. Xaqiiqada wixii dhacay iyo bamka dhibka uu geystayna cashar ahaan ayaan ku bartay iyada oo caddeymo sax ahna la i tusay."" ""Maalintaasi magaalada iyo wixi ku dhex sugnaaba wey gubteen. Dadkii, Shimbirihii, Cawskii, Geedihii iyo wax walba."" Emiko 8 jir ayey ahayd marki bamka lala dhacay magaalada Hiroshima. Walaasheed iyo afar qof oo ehelkeeda ka mid ahaa ayaa bamkaasi ku dhintay. Sawirro badan oo ay lahaayeen Emiko iyo qoyskeeda ayaa gubtay, waxaana u badbaaday oo keli ah sawirro kooban oo ay gurigeeda ku haysatay, oo ay ku jiraan sawirrada walaasheed. ""Walaasheey maalintaasi ayey guriga ka baxday, ayey tiri. Waxay igu tiri 'mar dhaw ayaan kuu soo laabanayaa!' Da'deedu markaasi waxay ahayd 12 jir ay nolasha isugu toosan tahay,"" ayey tiri Emiko. ""Balse dib uma soo noqon. Cid garaneysana malahan waxa walaasheey ku dhacay."" ""Waaliddiinteyda in badan ayey baadi goobeen. Xataa meydkeeda meysan helin, in muddo ah waxay islahaayeen waxaa dhici karto#a iney nooshahay oo meel uun ku nooshahay."" ""Hooyadey xilligaasi uur ayey ahayd balse ilmaha ay caloosha ku sidday wey soo ridday."" ""Waxaan cunno maanan haysan. Mana garaneyn shucaaca waxa uu yahay, wax kasta oo naga hor yimaaddo waan cuneynay innaga oo aan u kala eegin iney sumeysan yihiin iyo inkale."" ""Sababta oo ah wax la cuno ma jirin, dadku waxay ku dhaqaaqeen iney wax xadaan. Cuntada ayaa helitaankeeda aad u dhib badnaa. Biyuhu aad ayey u macaanaayeen! Waa tan keentay iney dad badan noolaadaan, balse waxaasoo dhan waa la illaaway."" ""Timaha ayaa iga daatay, cirridkana wuu i dhiigay. Markasta oo aan jiifsadana waa daalayey."" ""Qof xilligaasi shucaaca bamka ka dhashay aqoon u lahaa ma jirin. 12 sano kaddib, baaritaan caafimaad oo aan maray waxaa la iga helay 'dhiig yari'."" ""Dhawr sano oo waxaa jirtay cirka oo haawanaya oo aan wax daruuro ah lahayn inuu casaan noqdo. Dadka wajiyadooduna ay casaan noqdaan iyada oo aan la garaneyn xilligaasi waxa sababay."" ""Anigu maalintaasi waan yaraa oo wax badan ma qaban karin, balse waxaan xusuustaa oo xususteyda ka bixi la' seddex maalmood iyo seddexdooda habeen iney magaalada gubaneysay. ""Ilaa iyo hadda ileyska qorraxda waan necebahay, waxay qorraxda ilaa iyo haddaba i xusuusisaa magaalada sida ay u gubaneysay."" ""Dad badan oo bamkaasi ka badbaaday oo loo yaqaanno 'hibakusha' waxay dhinteen iyaga oo aan arrimo badan ka warramin, iyo wixi ay u soo joogeen ee bamkaasi la xidhiidha. Meysan helin fursad ay ku hadlaan balse aniga ayaa ka hadlaya."" ""Dad badan oo dunida ku nool waxay ka hadlaan nabadda, balse waxaa loo baahan yahay ficil nabad suuragelin kara. Waxaanna doonaya qof waliba inuu ka soo baxo kaalinta kaga aaddan oo uu qaban karo."" ""Aniga lafteyda waxaan doonayaa inaan qabto wax ay u aayaan carruurteenna iyo carruurta aan ayeyda u ahay mustaqbalkooda, una suurageliya iney ku noolaadaan nolol farxad leh maalin walba."" Reiko Hada waxay ahayd 9 jir marki bamka lagu dhufanayay magaaladeeda Nagaasaaki 9-kii August 1945-kii. Maalinta bamka lagu dhufan doono magaalada maalinti ka horreysay, shacabka magaalada waxaa la gaarsiiyey digniin ah duqeyn diyaraadeed iney dhici karto, marka Reiko gurigeeda kama aysan bixin maalintaas. Kaddib waxay aadday goob macbad ah oo ay carruurta wax ku baranayeen, maadaamaa ay goobaha waxbarashada xirnaayeen digniinaha duqeynta diyaaradaha ee la bixinayey awgood. Ku dhawaad 40 daqiiqo markay casharradu socdeen oo ay weli macbadka ku sugan yihiin, macallinki casharka bixinayey ayaa casharka joojiyey, kaddibna Reiko waxay ku soo laabatay gurigeeda. ""Waxaan gaaray albaabka hore ee gurigeyga, oo weli guriga gudaha uma gelin"" ayey tiri Reiko, oo sharraxeysa waxa dhacay. ""Wax lama filaan ah ayaa dhacay. Holac iyo iftiin xoog badan ayaan wax la arki waayey. Iftiinka indhaha iga qabtayna midabkiisu wuxuu ahaa jaalle, kaaki, casaan iyo midabbo isku jira. ""Xataa ma helin wakhti aan ku ogaado waxa dhacay, wakhtiba ma helin, wax waliba caddaan ayey noqdeen. ""Waxaan dareemay cidlo aad u daran sida inaan keligey ahay. Dhacdadi xigtayna waxaan maqlay dhawaaq aad u weyn, kaddibna waan miyir daboolmay."" ""Aniga nasiib wanaag bamkaasi xagtin xataa igama soo gaarin, balse shacabka daanta kale ee magaalada xaaladdooda waxay ahayd mid daran."" ""Dadku waxay u firxadeen buurta Koonpira oo ay beesheyada deggan tahay. Dadka indhaha ayaa ka soo dhacay intooda badanna wey qaawanaayeen, si aad ahna wey u gubnaayeen oo hilibkooda ayaa daadanayay."" ""Dadku waxay na weydiinayeen biyo ay cabbaan intoodi aan biyo siinnayna wey wada dhinteen."" ""Xataa wey adkeyd in la ogaado dadkaasi dhimanaya waxa ay yihiin. Sidi dadka uma eysan dhimaneyn balse saxariir ayey u dhimanayeen."" ""Waxaan rajeeynayaa jiilka soo socda ineysan arrin noocaasi ah la kulmin. Waa inaan marnaba u oggolaanin hubka nuclear-ka in la isticmaalo."" ""Dadka ayaa nabadda abuuri kara. Waloow aan waddamo kala duwan ku kala nool nahay afaf kala duwanna aan ku hadalno, haddana rabitaanka aan nabadda u qabno ayaan isku mid ka nahay.""" https://www.bbc.com/somali/war-53662909 +politics Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya: 'Dowladda iyo shacabka Kenya weli waa saaxiibada dhabta ah ee Soomaaliya' "Kenya ayaa ku dhawaaqday maanta oo khamiis ah in ay go'aansatay in ay dib ugu furto hawadeeda diyaaradaha tooska uga imaanaya Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa ku dhawaaqday in dib loo billaabayo duulimaadyadii u kala gooshayay Kenya iyo Soomaaliya, si loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed. Go'aanka waxaa la gaaray ka dib wada hadallo adag oo dhex maray labada dal, sida ay ku warramayaan warbaahinta qaar ee Kenya. Waxay sidoo kale sheegeen in la rajaynayo in si buuxda dib loo soo celiyo xiriirkii labada dhinac, oo ay ku jiraan ganacsiga iyo xiriirka diblumaasiyadeed oo culeys uu ku yimid. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa tiri: ""Tallaabadan si niyad wanaagga ah waxaa loo qaaday danta labada dal iyo rajada laga qabo in ay sababi doonto hagaajinta xiriirka labada wadan ee Kenya iyo Soomaaliya, sida diblomaasiyadda, ganacsiga iyo dadka."" ""Dowladda iyo shacabka Kenya weli waa saaxiibada dhabta ah ee nabada iyo barwaaqada Soomaaliya, waxayna rajeyneyaan in dib loo soo celiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya,"" ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo warbaahinta ay daabeceen. Horey, ganacsatada Khaatka ee Kenya waxay u sheegeen in ay ku hungoobeen soo celinta xiriirka uu dalkooda la leeyahay Soomaaliya, iyagoo filayay in khaadkooda ay u dhoofin karaan Muqdisho, balse taas baddalkeeda ay khasaare la kulmeen. Nuuriya Cabdinuur Xasan oo ka tirsan ganacsatadaas ayaa BBC u sheegtay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray, iyada oo sheegtay in lacagihii ay ku shaqaysanaayeen ay Soomaaliya uga xayiranyihiin. Maalin uun ka dib markii ay timid cabashadaasi oo ku beegnayd 11-kii bishii Maajo Kenya ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray ama aadi jiray Soomaaliya kadib toddobaad uun markii labada dal ay dib usoo celiyeen xiriirkooda diblumaasiyadeed. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya ka dib markii ay xiriirka u jartay bishii Deseembar, iyadoo xukuumadda Nairobi ku eedeeysay inay farongelin ku haysa arrimeheeda siyaasadda. Kenya kama aysan hadlin sababta ay u hakisay diyaaradihii ka imaan jiray dhinaca Soomaaliya. War saxaafadeed markaasi kasoo baxay waaxda duulista hawada ee Kenya ayaa lagu sheegay in hawada Kenya ay soo geli karaan oo kaliya ah diyaaradaha ha'yadaha gargaarka iyo duulimaadyada qaabilsan gurmadka deg deg ah ee caafimaadka ee ka imaanaya Soomaaliya. Ka dib markii ay Kenya ku dhawaaqday go'aankii ay ku hakisay duullimaadyadii Soomaaliya Ka iman jiray, dowladda Soomaaliya ayaa arin layaab leh ku tilmaantay go'aankaasi ay Kenya ku joojisay duulimaadyada labada dal u kala goosha. Xukuumadda Nairobi oo aan wax sabab ah shaacin ayaa sheegtay in illaa bisha sideedaad ee sanadkan ay hakinayso duulimaadyada ka yimaada ama aada Soomaaliya. Xaaladda waxay cirka isku sii shareertay ka dib markii uu Madaxweyne Uhurro Kenyatta uu wadahadal laba geesood ah la yeeshay wefti ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi 14-kii Diseembar ee sannadkii tagay. Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sannadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaas oo la sheegay inuu ku jiro kheyraad dabiici ah oo qiimo badan leh. Hardan dheer ka dib kiiska waxa uu haatan yaalla oo ay dacwaddiisa ka socota Maxkamadda Cadaaladda Adduunka inkasta oo ay Kenya qaadacday." https://www.bbc.com/somali/war-57430309 +technology Sheyga uu qof walba u baahan yahay ee sii dhimanaya "Cinjirka oo ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan dunida, lagana sameeyo inta badan qalabka uu bani'aadanka sida joogtada ah u isticmaalo ayaa gabaabsi ah, seynisyahannada ayaana raadinaya xal. Dabiici ahaan, cinjirku wuxuu leeyahay awood, dhinac walba ayuu u jiitami karaa, biyahanada waxya uma dhimaan. Waxyaabaha ugu caansan ee laga sameeyo waxaa ka mid ah lugaha gawaarida, gabaha iyo waxyaabo kale oo muhiim ah. Cinjirka oo afka qalaad lagu dhoho ""rubber"" waxaa loo adeegsadaa in lagu duubo fiilooyinka korontada, daboolka matoorrada iyo tallaagadaha qabowga dhaliya. Sidoo kale waxaa loo isticmaalaa sameynta laastiigga, dharka, kubadda lagu ciyaaro iyo kuwo kale. Baahida loo qabo waxay sii korortay sanadkii lasoo dhaafay markii uu dillaacay cudurka safmarka ah ee corona maadaama loo adeegsanayay in laga sameeyo dharka la isaga difaaco cudurka ee ay xirtaan dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha. Cinjirku dhab ahaantii hadda waxay muhiimaddiisu noqotay mid caalami ah, ilaa heer Midowga Yurub uu ku daray liiska qalabka ugu muhiimsan nolosha. Hase yeeshee, nasiib darro waxaa soo baxay astaamo muujinaya in uu kasii dhammaan rabo dunida. Cudurrada, isbaddalka cimilada iyo qiimaha oo aad hoos ugu dhacay ayaa sabab u ah in uu halis galo wax soo saarkii cinjirka. Seynisyahannada caalamka ayaa hadda isku dayaya in ay xal helaan ka hor inta aan mar qura dunida laga waayin cinjirka ah oo ah shey uu qof walba u baahan yahay. Su'aasha isweydiinta mudan waa sababta keentay in cinjirka dabiiciga ah uu gabaabsi noqdo. Ilaa 20 milyan oo tan oo cinjirka dabiiciga ah ayaa sanad walba lasoo saaraa hadda. Waxaa laga dhaliyaa geedaha xanjada dhacaan ahaanta u bixiya kaddibna waa lasii farsameeyaa marka kiimikooyin lagu daro. Wax soo saarkan oo dad beeraley ah ay sameeyaan ayaa aad u yar marka loo eego baahida loo qabo. Malaayiin qof oo u kala dhashay waddamada Thailand, Indonesia, Shiinaha iyo Galbeedka Afrika ayaa ku howlan wax soo saarka cinjirka. Geedaha xanjada dhaliya ayay ku abuuraan dhul beereedyo kooban oo aan wax badan ku filneyn. Marka geedka uu weynaado ayaa laga miiraa dhacaanka sida caanaha u eg ee dareeraha ah, kaddibna waxaa lagu qallajiyaa qorraxda. Beeraleydan ayaa soo saara 85% ka mid ah cinjirka laga isticmaalo caalamka, laakiin hadda caqabado aad u bahan oo soo food saaray awgood waxaa hoos u dhacday dhaqadoodii. Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee khatarta galiyay wax soo saarka waa in hadda aan la beerin geedkii asal ahaan laga ogaaday cinjirka oo ka bixi jiray keymaha dalka Brazil, kaasoo lagu magacaabo Hevia Brazilianensis ama Pará rubber. Meelaha a baxsan Brazil, geedaha cinjirka laga dhaliyo waxaa ku dhaca cudurro xididka ka dhaawaca oo kaddibna dila. Taas waxaa sii dheer in dhinaca waddanka Thailand ay beeraha cinjirka aad u saameysay dhibaatada isbaddalka cimilada. Geedahaas ayaa u baahan roob joogto ah, haddii ay waayaanna ma dhaliyaan dhacaanka cinjirka loo baddalo. Qodob kale oo wax soo saarka halis galinaya waa in dadka ku howlan aysan faa'iido weyn helin inkastoo wax soo saarkooda uu yahay mid baahidiisu ay aad u badan tahay." https://www.bbc.com/somali/war-56971549 +religion Muslimiinta Myanmar: Runta, beenta iyo Aung San Suu Kyi "Guddi ay saartay dowladda oo baaritaan ku sameeyay tacaddiga ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ayaa la filayaa inay daabacaan wixii ka soo baxay baaritaanka. Waxay ku sharixidoonaan in lagu xadgudbay qowmiyadda Rohingya ama inaan wax dhib ah loo geysan. Ayadoo saxafiyiinta laga mamnuucay gobolka waqooyiga ee Rakhine, ayaa hadana dowladda Burma waxay isku deyeysaa inay ka hortagto eedaha loo jeediyay ciidamada ee ah inay kufsadeen ayna dileen dad shacab ah. Hadaba maxay tahay dhibaatada oo geystay dadka Shacabka ee ku nool Rakhine. Falanqeyn ayuu ka qoray Jonah Fisher. Donald Trump iyo Aung San Suu Kyi waxay isku mid ka yihiin waxyaabo badan oo aadan fileyn. Hogaamiyayaasha dalalka Mareykanka iyo Myanmar waxay labaduba yihiin 70-jirro u muuqda inay si qaldan u dhaqmeen. Labaduba waxay leeyihiin timo lagu sheekeysto, wexeyna necebyihiin saxafiyiinta. Xiriirka xun ee Donald Trump uu la leeyahay warbaahinta si weyn ayaa looga hadlay. Balse Ms Suu Kyi xiriirkeeda saxaafadda waxay noqon kartaa mid layaab leh. ""Haweeneyda"", oo ah sida looga garanayo Myanmar, waxay caan ku noqotay magacaas sanadihii 1990-maadkii. Xilligaas waxay u doodi jirtay xuquuqda aadanaha iyo dimuquraadiyadda. Xilligii ay militariga geliyeen xabsi guriga, Saxafiyiinta halis ayey u gali jireen si ay ula hadlaan, si loo maqlo sheekadeeda dhiiragelinta leh iyo adkeysigeeda. Hadda Ms Suu Kyi awoodda ayey haysaa, arrintana sidii hore way ka duwantahay. Waxay sameysay jago aad u awood badan oo ah ""State Counsellor"" si ay u fuliso ballenteedii ahayd ""inay madaxweynaha ka sareyso"". Sida caadiga ah taasi waxay u muuqataa macnaha ah ""sare"" inuu u baahan yahay baaritaan xeel dheer. Ms Suu Kyi, weligeed lameysan hadlin warbaahinta Burma, kuwa caalamiga ahna si ka fiirsi leh ayey uga taxdartaa. Sidoo kale, baarlamaanka ma weydiiyo su'aalo joogto ah, welina ma aysan qaban shir saxaafadeed ayadoo hadda laga joogo 14-bilood, doorashadii dalkaasi. Hadaba waxaa jirto dacaayad ah in garabka ay ku hayso maalmihii madoobaa ee Burma iyo faafreebkii xilligii xukunkii militariga. Mid ka mid ah wargeysyada maalinlaha ah ee dowladda ay leedahay ayaa qoray warbixin uu ku beeninayo dhibaatada haysata muslimiinta laga badan yahay ee Rohingya. Qiyaastii hal milyan oo Rohingya ayaa ku nool Myanmar, waxaana midab takoor lagu hayay tobannaan sano. Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, Kuwa ku nool Waqooyiga Rakhine waxay xittaa la kulmeen tacaddi daran oo militariga ay geysanayaan. Xaqiiqdii inaad aaminto waxa halkaasi ka dhacaya waxay ku xirantahay qofka aad rumeysaneyso, maadaama dowladda ay halkaasi u diiday dhammaan dadka caalamka ka socdo ama baaritaannada sameynaaya. Dadka qaar waxay sheegayaan in ciidamada Burma ay ku kacayaan isir-sifeyn iyo xasuuq, balse taasi waxaa beeniyay militariga iyo Ms Suu Kyi. Dowladda waxay sheegtay in howlgalka uu yahay mid lagula dagaallamayo ""argagixiso"" oo lagu soo qabanayo ""mintidiinta Rohingya ee billaabay weerar booliska lala eegtay"". Hadaba, la yaab ayey noqotay ka dib markii BBC-da ay heshay warqad ka socotay gudoomiyaha gobolka Rakhine oo loogu ogolaaday inay booqan karaan goobaha codaaladaha ay ka dheceen. Si degdeg ah ayey koox BBC-da ka socotay ugu duuleen caasimadda gobolka ee Sittwe, ka dibna waxay u jiheysteen dhanka Waqooyiga ee wobiga Mayu, illaa xuduudda Bangladesh. Ka dib safar afar saacadood ah, iyo muuqaallo laga duubay qowmiyadaha kale ee Burma, waxay gaareen Budhidaung oo u dhow nawaaxiga ay dhibaatada ugu weyn ka jirto. Nasiib daro, maamulka halkaasi xittaa xannibaad ayuu billaabay. Ka dib kullan ay ku soo dhoweeyeen saxafiyiinta BBC-da, booliska iyo laamaha amniga waxay diideen in safarka uu sii socdo, waxayna u sheegeen in weriyayaasha ay maamulka magaalada la kulmaan. Markii ay maamulka u tageen waxaa lagu wargeliyay in fasixii la siiyay lala noqday. Safarka ayaa la gaarsiiyay xafiiska Ms Suu Kyi ee caasimadda Naypyidaw, waxaana la soo amray in la hor istaago saxafiyiinta. ka hor inteysay dib u soo noqon, mid ka mid ah maamulka deegaanka ayaa ogolaaday inuu wareysi bixiyo. Taasi xittaa waxay ahayd guul yar. Ms Suu Kyi iyo afhayeenkeeda way diideen dhammaan dalabaadkii ahaa inay ka hadlaan xaaladda Rakhine, tan iyo markii ay bilawdeen rabshadaha ugu dambeeya. Htut Kyaw waa Budha Burmese ah kaas oo ku noolaa waqooyiga Rakhine 10-kii sano ee la soo dhaafay. Waxaa iska muuqatay in asiga iyo kuwa kaloo badan ay aamisan yihiin in dembiyada la sheegay in loo geystay Rohingya ay yihiin kuwa la been abuuray. ""Waxba ma qarineyno,"" ayuu yiri. ""Dowladda qaran way sheegtaa xaqiiqda arrintan ku saabsan. Diinta Budhaha ma qabto kufsi. Waxaasi waa iska kutiri-kuteen."" Dhibaatada Ms Suu Kyi ayaa muujineyso in arrinta ay ka badan tahay been abuur. Saxaafadda iyo hay'adaha gargaarka looma ogola inay deegaanada dhibaatada ka jirto booqdaan. Dadka Rohingya ayaga ayaa ka warramaya waxa ku dhacaya iyo tacadiga ay la kulmayaan. Sheekada halkaasi ka taagan ayaga ayaa ku duuba telefoonada Smartphone-ka ah, waxayna u diraan dadka ku sugan dalka dibaddiisa. Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaa baraha bulshada lagu baahinayay muuqaallo badan oo laga argagaxo. Waxaa ku jiray dad sheegaya in la kufsaday, maydadka caruur daadsan dhulka iyo guryo la gubay. In la xaqiijiyo way dhib badantahay, balse, waa dhibaato ka dhici karta Rakhine. Aalaaba waxaa jiro dhowr dhinac oo isku meel ku sugan iyo hay'ado ku xiran dadkaasi oo soo bandhiga waxkastoo ku dhaca Rohingya. Waxaa mararka qaar dhacda in warbaahinta qaranka ay soo bandhigaan dhacdooyiin ayaga u gaar ah oo ay sameeyeen. Ma dhibyara in tirada la xaqiijiyo, balse sida ka muuqato muuqaallada waxaan shaki ku jirin in waxyaabo laga naxo ay halkaasi ka dhacayaan. Jawaabta ay bixinayaan Ms Suu Kyi iyo saraakiisha dowladeeda waxay muujineysaa inay meelaha qaar isku mid ka yihiin Mr Trump. Maamulka marka hore waxay beeninayaan cadeynta xad dhaafka ah ee ku saabsan Rohingya ayagoo ka qaadanaya dhowr dhacdo oo ay suuragal tahay inay warbaahinta si xun u sheegto. Tusaale ahaan, Muuqaal ku saabsanaa cunug yar oo la jirdilayo ayaa la sheegay inuu ahaa Rohingya, balse wuxuu ahaa Cambodian. Wuxuu galay bogga koobaad ee warbaahinta dowladda, inkastoo dhowr jeer laga noqday warkaas. Mid taa la mid ah, Turjumidda hadalka Ms Suu Kyi oo lagu sheegay inay ku qososhay xaaladda Rohingya ayaa xittaa sababtay xanaaq ba'an iyo halis ah in tallaabo sharci ah la qaado. Mararka qaar, dacaayadda ay soo bandhigaan xubnaha dowladda Ms Suu Kyi ayaa ah wax lala yaabo. Horraantii bishan January, xafiiska Ms Suu Kyi ayaa baahiyay sawir laga qaaday filim uu sameeyay atooraha caanka ah ee Sylvester Stallone ee loo yaqaano Rambo. Waxay dowladda u isticmaashay tusaale ahaa wararka beenta ah ee Rohingya ay baahinayaan si ay ugu xoojiyaan dhacdooyiinka ay ka warramayaan. Ma cadda cidda sidaas doqonnimada ah u daabacday sawirkaasi. Waxaase suuragal ah in qof shaqsi ah oo Facebook iska isticmaala uu sameeyay. Waxaa jiro dalal ay Britain ka mid tahay oo ka shakisan Ms Suu Kyi, ayagoo muujinaya sida weli aysan u cadeyn inuu ka jiro isbedelka Myanmar iyo saameyntii diktaatooriyadda. Si kastaba, Ms Suu Kyi weli xafiiska way ku cusubtahay, ayadana ma maamusho militariga ama booliska. Waxa loo maleynayaa inaysan joojin kari dhibaatada Rakhine xittaa haddii ay isku deyday. Dad badan ayaa aaminsan inay tahay qofka ugu wanaagsan xilligan ee Burma. Dhibaatada kale ee taagan waxay tahay, ayadu way joojin kartaa dacaayadaha la baahinayo. Wasiirada ay ayada madaxa u tahay iyo saraakiisha ay sida tooska ah u shaqaaleysiisay ayaa ku ciyaaraya xaaladda. Waxay beeninayaan dhibka ay sheeganayaan dad dulman, waxayna ku celcelinayaan inay been tahay xaqiiqada laga sheegayo xadgudubka ciidamada. Waa isla ciidamadaas kuwii laga duubay muuqaal ayagoo gubaya tuulooyiin, dumarka qowmiyado kala duwan ee Myanmar na kufsanaya. Cadaadis dibadda ah, Ms Suu Kyi wuxuu ku qasbay inay sameyso guddi baaritaan ku sameeyan xadgudubyada. Guddigaas waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay sheegaan wixii ka soo baxay baaritaanka. Waxaa hogaaminaya madaxweyne ku xigeenka Myint Swe, sarkaal horey ciidamada uga mid ahaa. sidaa darteed waxaa la filayaa in la qariyo xaqiiqada. Waxa sida dhabta ah uga dhacaya Waqooyiga gobolka Rakhine waa suuragal inaan weligeed si run ah loo soo bandhigin." https://www.bbc.com/somali/war-38777594 +business Nin xaaskiisa lacag badan ugu gaday dirac aanan jirinba "Sannadkan horraantiisii, Richard Ma oo ah maareeyaha guud ee shirkadda arrimaha amniga ee fadhigeedu yahay magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka, ayaa lacag dhan $9,500 xaaskiisauga bixiyay dirac. Waa lacag qaali ah in laga bixiyo hal gashi, gaar ahaan marka gashigaasi uu yahay mid aanba jirin, lana soo saarin weli. Waxa kaliya oo jira ayaa ah sawirka naqshada diraca oo ay ku hami weyn tahay in ay soo saarto shirkadda The Fabricant, waxaana diraca lagu larayaa huumaagga muuqaalka xaaska ninkan oo magaceedu yahay Mary Ren, kaas oo hadhoow loo isticmaali doono in la galiyo baraha bulshada. Marka si kale loo shoraxo, gashigan ma ahan mid jira, ee qofka inta uu sawir iska qaado isaga oo dharkiisa caadiga ah qaba ayaa laga dhigayaa in qofka uu xiranyahay dhar kale oo qurux badan, balse xaqiiqo ahaan aanan u jirin, ka dibna sawirka ayaa la galinayaa baraha Bulshada. ""Runtii waa qaali, balse marka dhanka kale laga eego waa maalgalin,"" ayuu yiri Mr Ma. Wuxuu sharaxay in isaga iyo xaaskiisa aysan iibsanin waxyaabaha qaaliga ah, balse in sheeygan uu u iibsaday maadaamaa uu u arkay in uu yahay wax leh qiimo, xilliga fog ah. ""10 sano gudahood, waxaad arkaysaa qof kasta oo xiran dharka digital-ka ah, waana astaan waqtiga ka hadlaysa"" ayuu yiri. Shirkaddan ayaa bil kasta website-keeda soo galisa dharka digitalka ah oo lacag la'aan ah, balse dadka isticmaalaya waxay u baahanyihiin in ay yeeshaan xirfadda iyo aaladihii ay ku dhex galin lahaayeen. Dharkan ma ahan wax la taaban karo, balse waa naqshado lagu naashnaasho sawirrada qofka, taas oo u ekeysiinaysa in qofka uu xiranyahay dhar aan ahayn kan uu xirnaa markii uu sawirka galayay. Dadka dheela ciyaaraha kumbuyuutarka (games) ayaa muddo badan jeclaa kala doorashada gashiga ay u xirayaan sheeyga ay ciyaarta ku galayaan." https://www.bbc.com/somali/war-50430050 +sports Dhageyso Barnamijka Ciyaaraha ee Isniinta Barnamijka Ciyaaraha ee Isbuuclaha ah waxaa maant soo jeedinaya Mowliid Xaaji Cabdi, wuxuuna eegayaa kulamadii ugu xiisaha badnaa ee horyaallada Yurub. https://www.bbc.com/somali/war-51269847 +business Caqabad hor leh oo la soo daristay ganacsatada Kenya ee qaadka loo fasaxay "Ganacsatada qaadka ayaa waxaa laga yaabaa in dhoofintiisa ay sugaan in ka badan intii lagu waday in lagu geeyo Muqdisho maalin uun kadib markii Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in dib loo billaabo dhoofinta Jaadka. Sababta ayaa lagu sheegay in shuruudo lagu xiray ka dib markii dhowaan la ansixiyay xeerar cusub oo dhanka dalagga beeraha ah. Ganacsatada iyo Beeraleyda ayaa si weyn u soo dhaweeyay dib u furista suuqa Soomaaliya, balse waxa ay ugu baaqeen dowladda in ay dadajiso bixinta shatiyada dhoofinta sida uu dhigayo sharciga cusub ee ay dhawaan soo saartay dowladda Kenya. Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Qaadka Kimathi Munjuri ayaa BBC-da u sheegay in Hay'adda Beeraha iyo Cunnada (Afa) aysan wali shatiyada siinin ilaa 500 oo ah ganacsatada qaadka dhoofisa. Si degdeg ah ayaan ugu baahanahay shatiyada sababtoo ah ma rari karno qaadka anaga oo aan u hogaansamin shuruucda,” ayuu yiri Munjuri. Kenya iyo Soomaaliya ayaa Jimcihii dib usoo nooleeyay xiriirkii labada dal kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay isku afgarteen in ganacsigii iyo duulimaadyadii labada dal uu si degdeg ah dib ugu bilaabmo. Balse markii ugu horeysay, ganacsatada jaadka Kenya waxaa looga baahan doonaa inay u hogaansamaan Shuruucda Dalagga (Qaadka) kaas oo Xeerarkiisa isabadal lagu sameeyay sannadkan. Sida xeerku dhigayo, dhoofiyayaashu qaadka waa inay diiwaan gashadaan oo ay shati ka haystaan ​​Afa. Ganacsatada ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay helaan ogolaanshaha dhoofinta shixnad kasta. Qof kasta oo dhoofiya qaadka bilaa shati waxa uu mutaysan doonaa xarig ilaa saddex sano ah ama ganaax dhan 5 milyan oo shilinka Kenya ah. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Peter Munya ayaa dhawaan ka warbixiyey xeerarkii wax laga beddelay. Qodobbada Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen In la iska kaashado arimaha Amaanka gaar ahaan la Dagaalanka Al-shabaab Xogaha Sirdoonka la isdhaafsado Xuduudahana la isku furo. In danaha labada dal si wadajir ah looga shaqeeyo. In la Ixtiraamo madaxbanaanida iyo in la iska kaashado arrimaha bini’aadantinimada. Kenya ayaa waxa ay ogolaatay in dib loo bilaabo Duulimaadyadii Shirkada Diyaaradaha Kenyan Airweys ee horay loo hakiyay. Waxaa la fududeeyay Caqabadihii ka jiray Visaha Kenya gaar ahaan waxaa loo fududeeyay Masuuliyiinta Dowlada, dadka heysta Baasaboorka Diblomaasiga iyo kuwa heysta Service Passport-ka. Waxaa kale oo lagu heshiiyay in dadka heysta Passporka Caadiga ah muddo 10 maalmood ah lagu siiyo Fiisaha. In guddi ka shaqeeya dhaqan galinta heshiiska ay kulmi doonaan Bisha Soo socoto ee Ogosto. Sida ay horey u sheegeen beeraleyda qaadka ee dalkan Kenya khasaare lixaad leh ayaa ka soo gaaray xayiraadda la saaray qaadkii ay u dhoofin jireen waddanka Soomaaliya.Jaadka la geeyo Soomaaliya ayay sheegeen in fursad shaqo uu u ahaa dad badan, kuwaas oo ay sheegeen in haatan ay shaqo la'aan noqdeen. Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha urur ay ku midaysan yihiin beeraleyda jaadka ee dalka Kenya, ayaa BBC-da u sheegay in maalin walba ay khasaaraan lacag ka badan 150 kun oo doollar, maadaama aanay jirin suuq la geeyo qaadkii ay Soomaaliya gayn jireen. Maxaa Soomaaliya ka dhigay suuqa kaliya ee qaadka Kenya la geeyo? Dowladda Ingiriiska ayaa sanadkii 2014-kii waxaa ka dhaqan galay mamnuucid lagu soo rogay qaadka oo ay u aqoonsatay inuu ka mid yahay waxyaabaha maanka dooriya ayna isticmaalaan bulshooyinka dalalka Itoobiya, Kenya, Soomaaliya iyo Yemen. Dowladda Britain ayaa sheegtay xilligaas  in mamnuucidda qaadka ay UK la jaanqaadi karto dalalka kale ee Yurub oo uu ka mid yahay maaddooyinka laga ilaaliyo dadka. Qaadka Kenya ay u dhoofin jirtay UK waxaa sanadkii ka soo gali jiraty lacag dhan 7.5 milyan oo doolar. Dadka ku nool gobolka Meru ee dalka Kenya ee uu ka baxo qaadku, ayaa xilligaas ka muujiyay walaac la xiriira saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta joojinta qaadka. Tallaabadaas ay qaadday dowladda Ingiriiska, sanadkii 2014-kii ayaa Meesha ka saartay dhaqaale badan oo ay heli jireen ganacsatada qaadka, waxaana soo xirmay suuqii ugu weynaa ee qaadka Kenya loo dhoofin jiray. Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa xilligaas ugu baaqay dawladda Ingiriisku in aanay mamnuucin isticmaalka qaadka hase yeeshee arrintaa UK dhaq jalaq umaysan siin. Intaa wixii ka dambeyay dalka Soomaaliya ayaa Kenya u noqday suuqa kowaad ee jaadka loo iib geeyo isla markaana laga helo dhaqaale tiro badan. Cadaadiska ganacsatada. Ganacsatada gobalka Meru ee dalka Kenya oo ah halka qaadku uu ka baxo ayaa dowladda cadaadis ku saarayay tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay mamnuucday qaadka Kenya, in arrintaa ay wax ka qabtaan oo ay ku wajahaan xal horseed u noqon kara in mar kale loo daabulo qaadka Kenya gudaha dalka Soomaaliya. Ganacsatada qaadka Kenya, ayaa sheegay in kalluunka ugu badan uu Kenya uga yimaadaa Shiinaha, taasi oo ay sheegeen in aysna jirin sabab kalifi karta maadama Soomaaliya ay ka soo dhoofsan karaan kalluun. “Ma jirto sabab aan Shiinaha uga soo qaadano kalluunka maxaa yeelay Soomaaliya oo aynu deris nahay ayaan ka heli karnaa kalluun badan oo wanaagsan, waxaa jira waxyaabo kale oo aynu Soomaaliya kasoo dhoofsan karno sida xoolaha nool iyo hilibkooda oo dalka Kenya ku yar,"" ayuu yiri Kimathi oo ah guddoomiyaha ururka beerlayda qadaka." https://www.bbc.com/somali/articles/cp3n8zp471eo +politics Hindiya iyo Pakistan: Hadal heyn ka dhalatay gantaalkii khaldamay "Warbaahinta dalalka Pakistan iyo Hindiya ayaa si weyn u hadal haya sheekooyinka ku saabsan dhacdadii dhowr maalmood ka hor uu gantaal khaldamay ugu dhacay Pakistan. Gantaalka oo qarax weyn dhaliyay ayaa ku dhacay degmada Channu, sida ay saraakiisha Pakistan ku warrameen. Hindiya ayaa sheegtay in gantaalkaas uu kasoo fakaday kaddib markii ay cillad farsamo qabsatay. Balse su'aalo badan ayaa hareeyay dhacdadan sida ay ku warrameen warfidiyeennada maxalliga ah. Dadka qaar ayaa isweydiinayay waxa dhici karay haddii meesha uu ku qarxay ay ahaan lahayd magaalo weyn. Shuruucda dhinaca gaashaandhigga ee caalamka waxay dhigayaan in shey kasta oo hawada waddan uga soo gudba waddan kale uu yahay weerar. Haddii ay dhacdo in gantaal uu yahay shegaasna, waxaa khasab ah in uu aargoosi dhaco. Sidaas awgeed Pakistan ayaa lagu ammaanay in ay qaadatay go'aan xikmadeysan oo aysan ku fal celinin wax tallaabo militeri ah, xilli la og yahay in labada waddan ay ka dhaxeyso colaad soo jireen ah oo wax kasta ay kicin karaan. Dadka arrintaas ku bogaadiyay Pakistan, oo isla hadalkan adeegsaday, waxaa ka mid ah Sashant Singh, oo ah mas'uul sare oo ka tirsan Xarunta Cilmi Baadhista Siyaasadda ee dalka Hindiya. Waxa uu sheegay in gantaalka noociisu yahay BrahMos ee sida khaldan ay Hindiya ugu ridday Pakistan 9-kii bishan March, 2022-ka, uu ahaa mid jawaabtii laga bixiyay ay nabad ahayd. Labada waddan ee deriska ah ayaa ku hubeysan hubka sida ba'an wax u gumaada ee nuclear-ka, xidhiidhkooduna waa mid si joogto ah u xun. Shant Singh ma aha sarkaalka kaliya ee Hindiya u dhashay ee Pakistan ku ammaanay arrintan, balse waxaa su'aalo la iska weydiinayaa in ""gantaalkan soo khaldamay"" uu kicin karo xiisadda u dhaxeysa labada waddan oo aad xasaasi u ah. Maadaama aysan taasi dhicin, wariyeyaal badan oo reer Hindiya ah iyo khubarada militeriga ee waddankaas waxay dowladda Pakistan toos ugu jeediyeen ammaan. Intaas waxaa sii dheer in Hindiya ay labo maalmood ku qaadatay inay qirato khaladka. Mr Singh oo ka hadlayay wareysi uu BBC-da siiyay ayaa yidhi: ""Waxaa wax lagu farxo ah in uusan jirin khasaare lasoo tebiyay."" Shashant ayaa sheegay in qalabka difaaca ee Pakistan uu aad uga wanaagsan yahay sidii hore. ""Inkastoo ay taas jirto, ma jiro qalab difaac oo garan kara in gantaal usoo gudbay xadkiisa uu yahay mid si khaldan loo soo tuuray,"" ayuu yidhi. Dowladda Pakistan ayaa u muuqatay in ay ka cadhootay sida uu u daahay bayaanka kasoo baxay Hindiya ee dhacdadan lagu sharraxayay. Moeed Yousuf, oo ah la taliyaha dhinaca amniga ee Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka 11-kii bishan March ku sheegay in gantaalka uu dalkooda ku galay joog dhulka ka sarreeya 40,000 oo feet. Moeed ayaa walaac ka muujiyay xiriirka Pakistan iyo Hindiya, isagoo sheegay ""in Hindiya ay hoggaanka u hayaan maamul ka amar qaata kali taliye, kuwaasoo mar isku dayay in ay Pakistan weeraraan sanadkii 2019-kii.""" https://www.bbc.com/somali/war-60725651 +politics Mooashinka dacwadda Trump: Jamhuuriyiinta oo doonaya in dacwadda dib loo dhigo ilaa February "Jamhuuriyiinta Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa ka codsanaya Dimquraaddiyiinta inay ilaa February dib u dhigaan dacwad ku soo oogidda madaxweynihii hore Donald Trump. Waxay ku doodayaan in taas ay waqti dheeraad ah siin doonto Mr Trump si uu is difaacid isugu diyaariyo. Waxaa lagu eedeynayaa kicin, kaddib markii taageerayaashiisa ay bishii la soo dhaafay galeen dhismaha Capitol. Dimuqraaddiyiinta Aqalka Wakiillada ayaa diyaar u ah inay dacwadda ku wareejiyaan Aqalka Sare. Mr Trump ayaa u duulay Florida iyadoo muddo xileedkiisa uu dhammaaday Arbacadii, isagoo aan ka qeyb gelin caleema saarka Joe Biden. Lixdii January, madaxweynihii hore ayaa dad ku dibad baxayay meel u dhow Aqalka Cad u sheegay in ""si nabad ah oo waddaninimo"" ku dheehan tahay loo maqlo codkooda xilli ay isku diyaarinayeen inay isu soo baxyo ka sameeyaan dhismaha US Capitol. Wuxuu sidoo kale u sheegay inay ""si xun u dagaallamaan"". Dinbadbaxyada ayaa fowdo isku beddelay iyadoo ay koox si xoog ah ku galeen dhismaha Kongareeska, halkaas oo ay xildhibaannadu ku guda jireen ansixinta guusha Mr Biden. Afar dibadbaxayaal ah iyo sarkaal booliiska Capitol ka tirsanaa ayaa ku dhintay dhacdadaas. Toddobaad kaddib, Mr Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay Mareykanka ee labo jeer xil ka qaadis laga gudbiyo. Dacwad ku soo oogiddiisa ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee laga gudbiyo madaxweyne xilka ka tegay. Baaq uu shalay u diray sanatarrada Jamhuuriga, ayaa hoggaamiyaha sanatarrada laa tirada badan yahay Mitch McConnell wuxuu sheegay in Dimuqraaddiyinta Aqalka uu ka codsaday inay dib u dhigaan dacwadda. Haddii dib loo dhigo, Mr Trump wuxuu heysan doonaa labo toddobaad - ilaa 11 February - si uu u soo gudbiyo is difaaciddiisa kahor maxkamadeynta. Doodaha ayaa la filayaa inay bilowdaan bartamaha February. Jamhuuriyiinta, oo laga soo bilaabo Arbacadii aan aqlabiyad ku lahayn Aqalka Sare, ayaa u baahan in hoggaamiyaha aqlabiyadda Dimuqraaddiyiinta, Chuck Schumer, uu oggolaado ra'yigooda. Xafiiska Mr Schumer weli ma soo saarin warbixin ku saabsan soo jeedinta Mr McConnell. Afhayeenka Aqalka Nancy Pelosi ayaa diidday inay weriyeyaasha uga jawaabto su'aan shalay laga weydiiyay xilliga ay gudbin doonto dacwadda. Balse waxay sheegtay in Mr Trump uusan u qalmin in la cafiyo sababo la xiriira inuu xilka ka tegay. Sanatarka Chris Coons ayaa sheegay in laga yaabo in Dimuqraaddiyiinta ay oggolaadaan dib u dhigista maxkamadeynta haddii ay Jamhuuriyiintu gacan ka geystaan ansixinta golaha wasiirrada Mr Biden. Soo jeedinta Mitch McConnell ee ah in dib loo dhigo dacwad ku soo oogidda Donald Trump waxay u muuqataa mid kala qeybin doonta Dimuqraaddiyiinta. Taasina waa sababta uu McConnell u soo jeediyay. Qaar ka mid ah Dimuqraaddiyiinta way soo dhoweyn doonaan in labo toddobaad dib loo dhigo, taas oo Aqalka Sare fursad u siin doonta waqti ay ku ansixiyaan golaha wasiirrada madaxweynaha. Kahor caleema saarkiisa, Joe Biden wuxuu walaac ka muujiyay inuusan si degdeg ah usoo dhammeystiri karin shaqaalaha maamulkiisa wuxuuna Aqalka Sare u soo jeediyay inay waqtigooda qeyb ka mid ah ka shaqeeyan dacwad soo oogidda iyagoo shaqooyinkooda kalena wata. Dimuqraaddiyiinta kale ayaa daneynaya in la dedejiyo dacwad ku soo oogidda. Waxay aaminsan yihiin in dib u dhigidda uu yareyn doono cadaadiska Jamhuuriyiinta ka saaran inay u codeeyaan in Trump uusan mar dambe xil qaban, maaddaama rabshadihii 6-dii January ay ka ba'ayso xusuusta. Inkastoo Mr McConnell uusan haatan xukumin Aqalka Sare, wuxuu muujinayaa in weli hayo khiddado shaqeyn kara. Mr Trump ayaa shaqaaleysiiyay qareen fadhigiisu yahay Koofurta Carolina oo lagu magacaabo Butch Bowers si uu wakiil uga noqdo dacwaddiisa xil ka qaadista ee Aqalka Sare, sida laga soo xigtay Sanatar Lindsey Graham. Sida laga soo xigtay bartiisa Internet-ka, Mr Bowers wuxuu la taliye gaar ah ka ahaa arrimaha codeynta ee Waaxda Caddaaladda Mareykanka, markii uu xilka hayay George W Bush. Wuxuu sidoo kale la taliye u ahaa labo barasaab hore oo Koofura Carolina ah, Nikki Haley iyo Mark Sanford." https://www.bbc.com/somali/war-55761652 +health Hergabka Shimbiraha: Shiinaha waxaa lagu arkay qof qaba cudur dhif ah oo lagu magacaabo H10N3 "Nin 41 sano jir ah oo u dhashay Shiinaha ayaa la xaqiijiyay in uu noqday qofkii ugu horreeyay caalamka ee uu ku dhaco caabuq naadir ku ah oo ku dhaca shimbiraha. Saraakiisha dowladda waxay xaqiijiyeen arrinta balse ma aysan bixinin faafaahin dheeraad ah oo la xiriirta sida uu ninka ku qaaday cudurka. H10N3 ma ahan xanuun si fudud ku faafa oo dadka ay isu gudbin karaan. Ninka oo ku nool gobolka Jiangsu, kaas oo xanuunka uu ku dhacay isbuucii la soo dhaafay, hadda wuu ka caafimaaday, waxaana loo diray gurigiisa. Waxaa dunida ka jira cudurro badan oo hergeb ah oo ku dhaca shimbiraha, mana ahan arrin cusub in xanuunadaas ay dadka u soo gudbaan, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya goobaha lagu xanaaneeyo shimbiraha iyo digaagta. Ka dib markii ninkan lagu arkay xanuunka, waxaa baaritaan lagu sameeyay dhammaan dadkii uu la kulmay, mana la helin qof kale oo xanuunka qaaday. Guddiga Caafimaadka ee Beijing (NHC) wuxuu Talaadadii sheegay in ninkan la dhigay cisbitaal ku yaalla Zhenjiang, dhammaadkii bishii April, bil ka dibna laga helay xanuunka H10N3. ""Weli dunida lagama soo sheegin qof uu ku dhacay xanuunkan H10N3, waana markii ugu horreysay. Kiiskan waa mid cusub oo digaag iyo dad ay isu gudbiyeen, mana jirto halis ah in uu aad u faafo,"" sida uu qoray wargeyska Global Times oo soo xigtay NHC. Guddiga wuxuu sidoo kale sheegay in H10N3 uu yahay cudur fudud, taas oo micneheedu yahay in uusan aad ugu badnayn digaagta iyo in ay aad u yartahay in uu ku dhex faafo dadka. Hay'adda caafimaadka adduunka (WHO) waxay Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegtay in ""xilligan aysan muuqanin in dadka ay isu gudbin karaan cudurkan"". ""Maadaama fayrasyada hergebka ay ku dhex wareegtaan digaagta, in uu dadka soo gudba ma ahan arrin la yaableh, taas oo micneheedu yahay in caabuqyada hergebka ee faafa ay joogto yihiin,"" ayey tiri WHO. Waxaa hadda taagan xanuun faafa oo ka dhex dillaacay shimbiraha caalamka, kaas oo lagu magacaabo H5N9, wuxuuna sababay in kumannaan digaag lagu baabi'iyo dalalka Yurub. Bishii February, Ruushka wuxuu soo weriyay kiiskii ugu horreeyay oo nooc kale oo hergebka shimbiraha ah oo dadka u soo gudbay. Caabuqyada dadka ku dhaca ee hergebka shimbiraha ah waxay ka mid yihiin cudurrada marar badan dillaacay. Midkii ugu darnaa ee H7N9 wuxuu dilay ilaa 300 oo qof, 2016 illaa 2017-kii." https://www.bbc.com/somali/war-57340345 +health Badso cuntooyinkan si aad u xoojiso caafimaadkaaga "Nafaqo darrada waxay si weyn u saameysay caafimaadka dad badan, markii hore waxaa jirtay dhibaato nafaqo darro ah, hadda waxaa jiraa dad badan oo doonaya inay iska dhimaan miisaankooda. Waxaa muhiim ah in qofka uu qaato cuntooyin isku dheelitiran, kuwaas oo ka qeyb qaadan kara xoojinta caafimaadka qofka, waxaana cuntooyinkaas kamid ah borotiinada, dufanka, macdanta, fiitamiinnada iyo biyaha. Waxay cuntooyinka na siinayaan tamarta aan u baahanahay, markaa waxaa muhiim ah in wax yar ama wax badan aad ka qaadato. Marka la eego Isku dheelitirnaanta cuntooyinka, waxaa dhawaan la ogaaday cuntooyin nafaqo leh iyo maaddooyin gaar ah ee uu qofka u baahan yahay kuwaas oo ka qeyb qaadan karo xoojinta difaaca jirka iyo caafimaadka. Jaamacadda Valladolid ee ku taalla dalka Spain waxay dhawaan daabacday warbixin loogu magac daray """"101 cuntooyinka caafimaadka leh ee laga rabo in aad qaadato"". Waxaana cuntooyinkaas kamid ah: Dhammaan khudaarta, yaanyada ayaa kamid ah kuwa ugu muhiimsan. Yaanyada waxaa ku badan biyaha (qiyaastii 95% miisaankeeda), waxaana laga helaa 20 kaloori oo ah tamarta qofka uu ka helo khudaartan. Yaanyada waxaa laga helaa fiitamiino iyo macdan waxtar u leh banii'aadanka. Tusaale ahaan, haddii qofku uu go'aansado inuu cuno 150 garaam oo yaanyo ah maalintii waxaa uu buuxiyay 100% baahida maalinlaha ah ee fitamiinka. Maaddada lycopene waxay yaanyada iyo sidoo kale qaraha iyo canabka casaanka ah ka dhigeysaa kuwa midabo guduudan leh. Intaa waxaa dheer, sida ay muujinayaan cilmi-baarisyo kala duwan, yaanyada waxay yareyn kartaa halista ah in qofka uu ku dhaco cudurrada sambabada, caloosha iyo mindhicirada. Khudaartdan waa mid muhiim ah maadama ay ku badan tahay maaddada fitamiin C, gaar ahaan barbarooniga cas. Maaddada Fitaamiin C waxay waxtar u leedahay samaynta unugyada cas, lafaha iyo ilkaha. Waxaana kalluunka kamid ah nooca la yiraahdo Sardines-ka, waxaa uu ka mid yahay kalluunka ugu saliidda badan, kaas oo sannadihii u dambeeyay ka qeyb qaatay soo saarista maaddada omega-3 acids. Kalluunkan wuxuu kaalin xooggan ka qaataa ka hortagga cudurrada. Marka laga hadlayo fiitamiinada, kalluunkani waxa uu soo kordhiyaa waxtarka muhiimka ah ee fiitamiinnada D, E iyo A. Fiitamiin D aad ayuu muhiim ugu yahay xoojinta lafaha, iyo fiitamiinada A iyo E oo ka qeyb qaata difaaca jirka. Waxaa khudaartan laga helaa maaddada Potassium-ka, waxaana ku jiraa in yar oo kamid ah maaddooyinka kala Iron iyo Magnesium. Mirahani waxay yareyn karaan khatarta cudurada wadnaha, waxay sidoo kale yareeyaan dhibaatada lasoo derista marinada hawada ee halbowlayaasha dhiigga, waxay sidoo kale wanaajiyaan heerarka kolestaroolka. Canabka wuxuu leeyahay faa'idooyin dhowr ah oo kamid yihiin xoojinta shahwada iyo in uu ka hortaggo kansarka maqaarka ku dhaca. Hilibka Xoolaha iyo Halista Caafimaad ee uu leeyahay Cuntooyinka aad u baahantahay in aad badsato marka aad gaarto 40 jir Sababta aniga iyo Sambuus aan isku macsalaameynay Malabka wuxuu kamid yahay cuntooyinka waxtarka leh ee qarniyo badan la adeegsan jiray. Malabka waxaa loo isticmaalaa in lagu daweeyo nabarrada ama gubashada jirka, malabka wuxuu dilaa bakteeriyada. Saliid seyntuunka si weyn ayaa baryahan dambe looga isticmaala qeybo kamid ah adduunka. Cilmi baaris dhanka seyniska ah waxay muujinaysaa in ay horseeddo hoos u dhaca ku yimaada kolestaroolka xun ee loo yaqaano (LDL) iyo kororka kolestaroolka wanaagsan (HDL) ee dhiigga jirka banii'aadanka. Saliid seyntuunka waxaa sidoo kale ku jirtaa maaddada Fiitaamiin E, oo kolestaroolka ku jiraa halbowlayaasha dhiigga qaada ka ilaalisaa in uu adkaado." https://www.bbc.com/somali/59848440 +politics Fadeexadda Qalabka Milatariga: Nin isticmaalay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Kenya Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa iska fogeeyay siyaasi wasiir horay usoo noqday oo loo heysto inuu xafiiskiisa u adeegsaday khiyaano uu ku dhici rabay lacag. Ruto ayaa sheegay Rashid Echesa, oo ahaa wasiirkii hore ee ciyaaraha Kenya uu isticmaalay xafiiskiisa oo cidlo ah, sida uu shaaciyay telefishinka Citizen. Tan iyo isbuucii lasoo dhaafay waxaa dalka Kenya si weyn looga hadal hayaa fadeexadda ku saabsan qalabka milatariga, taasoo la damacsanaa in lagu lunsado 39 bilyan oo shilinka Kenya ah, oo u dhiganta ku dhawaad $400 oo milyan oo doolar. Mr Echesa ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu si khiyaano ah shirkado ula heshiinayay, isagoo u sheegayay in loo baahan yahay qalab milatari oo ku kacaya qiimahaas. Maxkamad maanta oo isniin ah la geeyay ayaa kusii deysay damiin lagaceed oo gaaraya $10 kun oo doolar. Ninkan oo wasiir hore ahaan jiray ayaa lagu eedeeyay inuu sidoo kale been abuurtay saxiixa haweeneyda wasiiradda difaaca ka ah Kenya, Dr Monica Juma, si uu qolyaha shirkadda gacansiga ah ugu qanciyo inay qandaraaska rumeystaan. Wararka ayaa sheegaya in Mr Echesa uu hormaris ahaan u helay in ka badan $100 kun oo doolar. Mr Echesa ayaa maxkamad lala soo taagay eedeysaneyaal kale oo lagu kala magacaabo Daniel Otieno, Clifford Okoth iyo Kennedy Oyoo waxaana lagu soo oogay 12 dacwadood oo la xiriira isku day musuqmaasuq. Hase ahaatee dhammaantood way beeniyeen eedeymaha loo jeediyay. Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kenya ayaa dafirtay inay wax ka ogtahay fadeexadda qalabka milatari ee ku kacaya kharashka badan. Qalabka qandaraaska been abuurka ah loo sameynayay ayaa laga dalbanayay shirkad fadhigeedu yahay dibadda. Mr Echesa waxaa maalintii Khamiista ahayd xabsiga u taxaabay ciidamo ka tirsan laanta dambi baarista booliska ee DCI-da, isagoo loo heysto fadeexadda cusub ee soo ifbaxday. Maalintii xigtay ee Jimcada ahayd ayuu kasoo hor muuqday maxkamadda fadhigeedu yahay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, iyadoo boolisku ay garsoorka weydiisteen in loo oggolaado 21 maalmood oo ay xabsiga ku hayaan si ay u dhammeystiraan baaritaanka ay ku sameynayaan. Muuqaal laga helay kaamirada CCTV-ga ee ku xiran xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu xaqiijiyay labo ka mid ah xulafada Ruto oo halkaas ku sugnaa 13-kii bishan February, markaasoo Mr Echesa uu la kulmayay saraakiisha shirkadda qandaraaska la siinayay ee lagu magacaabo Echo Advanced Technologies, taasoo laga leeyahay Mareykanka. Dr Ruto ayaa markii hore u muuqday inuu qiray kulanka mesha ka dhacay, wuxuuna sheegay inay jiraan dad kale oo fadeexaddan ku lug leh. https://www.bbc.com/somali/war-51535867 +politics Mir Kasi: Ninkii askarta ka dilay CIA-da ee saaxiibbadiis ay sida khiyaanada ah ku geeyeen safaaradda Mareykanka "Maantoo kale, 14-kii bishii November ee sanadkii 2002-dii waxaa la daldalay Mir Aimal Kansi, oo lagu helay dambiga ah inuu fal toogasho ah ka geystay xarunta dhexe ee hay'adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, halkaasoo uu ka geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Waxaase layaab lahayd sida lagu soo qabtay ninkaas. 1993-kii, ayuu ninkan oo lagu magacaabi jiray Mir Kasi geystay weerarka islamarkiina waxaa u siirtagashay inuu ka tago Mareykanka oo uu u baxsado waddankiisa Pakistan. Meel isgoys ah oo ku taalla albaabka laga galo xarunta CIA-da hortiisa, magaalada Virginia ee dalka Mareykanka, ayay baabuurtu ka taagnaayeen nalka casaanka ah. Mar qura ayuu nin qori wata kasoo booday gawaarida gadaashooda waxa uuna billaabay in uu rasaas furo. Ilbiriqsiyo gudahood, labo xubnood oo ka tirsanaa CIA-da ayaa isla goobta ku dhintay saddex kalena way dhaawacmeen. Dhacdadaas waxay ku aaddaneyd 28 sano ka hor, 25-kii bishii January ee sanadkii 1993-kii. Xilligaas oo ahayd siddeed sano ka hor markii uu dhacay weerarkii 9/11, waxaa la sheegay in weerarka uu geystay Mir Kasi uu ahaa kii ugu weynaa ee lagu qaado laan ka tirsan dowladda Mareykanka. Booliska maxalliga ah, FBI-da iyo CIA-da ayaa dhammaantood ku lug lahaa baaritaannada la xiriiray dhacdadaas, markii ugu horreysayna waxaa la baarayay in falkaas uu ahaa mid uu ninka u geystay si shakhsi ah ama inuu ahaa weerar argagixiso oo abaabulan. Baareyaashu waxa ay goobta ka heleen 10 fooq oo rasaas ka dhacday iyo xabad aan wali qarxin, taasoo muujineysay in ninka hubeysnaa uu qoriga ka leeb dhacay kana hallaabay. Dumar ka badbaaday weerarkaas ayaa askarta ka caawiyay inay tilmaamaan ninka waxaana lagu soo daabacay wargeysyada. Telefoon gaar ah ayaa loo sameeyay si ay shacabka ugu soo gudbiyaan macluumaadka la xiriira ninkaas haddii ay meel ku arkaan. Magaciisa oo dhammeystiran waa Aimal Khan Kansi. Wareysi uu isaga qudhiisa mar siiyay BBC-da ayuu ku sheegay inuu magaciisa uga diiwaan gashanaa iskuulka uu ahaa Mir Aimal Khan Kansi. Emil Kansi waxa uu waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay iskuul ku yaalla magaalada Quetta ee dalka Pakistan, halkaasoo ah isla meeshii uu ku dhashay. Waxa uu waxbarashada heerka sare ku qaatay macadka Quetta, shahaadada ilaa heerka labaadna waxa uu ku takhasusay maaddda ingiriiska oo uu uga baxay jaamacadda gobolka Balochistan. Waxaa la sheegay in waqtigii uu waxbarashada ku jiray uu ka mid ahaa ardayda u janjeera dhinaca xagjirnimada, sida ay ku warrameen qaar ka mid ah saaxiibbadiis. Aimal Kansi waxa uu kasoo jeeday qoys taageera siyaasadda qarannimo jacaylka. Aabihiis waxa uu lasoo noolaa hoggaamiyeyaashii Pashtun-ka ee la oran jiray Ghaffar Khan iyo Abdul Samad Khan. Mareykanka waxa uu tagay sanadkii 1991-kii, halkaasoo uu kusoo dhaweeyay nin ay saaxiib ahaayeen oo dagganaasho ka heystay. Ujeeddadiisa ugu weyn ee uu Mareykanka u galay waxay ahayd inuu ganacsi ka sameeyo, balse waxa uu ugu dmabeyntii noqday gacan ku dhiigle. Hal maalin kaddib markii uu weerarka geystay Aimal waxa uu u duulay dalka Pakistan, halkaasoo uu uga sii gudbay Afghanistan. Mar su'aalo la weydiinayay qabashadiisa kaddib waxa uu sheegay inay martigeliyeen xubnaha Taliban oo markaas maamulayay qaybo ka mid ah wadankaas. Dowladda Mareykanka waxay madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 2 milyan oo doolar oo abaalmarin ahaan loo siinayo qofkii keena macluumaad horseedaya in lasoo xiro Mir Kansi. Kiiskan aad buu u adkaa, sababtoo ah ninka la doon doonayay waxa uu aha muwaadin u dhashay dal kale, xilligaasna aan ku sugneyn gudaha Mareykanka, sida laga soo xigtay wakiillo ka tirsan hay'adda FBI-da. Bradley Garrett oo xubin ka ahaa FBI-da ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in nin dagganaa magaalada Quetta uu lasoo xiriiray safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Karachi, uuna u sheegay inuu garanayo qofka ay raadinayaan Mareykanka. Waxa uu sheegay inuu og yahay meesha uu ku sugan yahay. ""Waan idiinku keeni karnaa meesha aad rabtaan balse waxaa loo baahan yahay lacag,"" ayuu ku yiri. Sida uu sheegay Garrett, durbadiiba waxaa yimid qaar ka mid ah odayaal dhaqameedkii qabaa'ilka Afghanistan. Sawir cusub oo laga soo qaaday Amail ayay ku wareejiyeen Mareykanka si ay u muujiyaan in ay meel ku oh yihiin. Kaddib waxa ay u keeneen dhalo ay sheegeen in ay ku yaallaan raadadka farihiisa, taasoo markii baaritaan lagu sameeyayna ay waaxda baaritaannada Mareykanku xaqiijisay inay yihiin farihii Kansi. Madixii laanta CIA-da, sarkaalkii ugu sarreeyay gobolka, wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka iyo hoggaanka FBI-da waxay dhammaantood billaabeen inay wadahadal la furaan dowladda Pakistan. Xilligaas Pakistan waxaa xukumayay Nawaz Sharif. FBI-da waxa ay sidoo kale la xiriirtay hay'adda sirdoonka Pakistan ee ISI si Kansi looga hor istaago inuu ka baxo waddanka. Waxay heysteen diyaaradaha qumaatiga u kaca, meel walba oo ka mid ah Pakistan ayayna ku duuli kareen. ISI waxaa laga codsaday in markii loo baahdo ay soo gurmadaan. Aimal Kansi qudhiisa ayaa BBC-da goor dambe u sheegay in ay u imaadeen qaar ka mid ah saaxiibbadiis ayna u sheegeen in ay aadayaan magaalada Dera Ghazi Khan si ay halkaas uga soo sameeyaan heshiis ganacsi oo muhiim ah, sidoo kalen ausoo iibsadaan waxyaabo badeecooyin ah. Kama uusan warqabin in ay sawirkiisa iyo farihiisa geeyeen safaaradda Mareykanka, ayna doonayaan in ay si khiyaano ah gacanta ugu galiyaan Mareykanka. ""Mid ka mid ah ayaa igu yiri waxaa tahay nin aqoonyahan ah, luuqadda urdu ayaad taqaannaa, ina keen. Waan ku kalsoonaa, sidaas darteed waan raacay. Meeshaas markii aan tagayna, habeen saq dhexe ayaa la isoo weeraray waana la i xiray,"" ayuu yiri. Waxay ahayd habeenkii 15-kii June, 1997-kii Sida laga soo xigtay Bradley Garrett, FBI-du waxa ay jaajuus u direen hoteelka lasoo dejiyay Kansi si uu xogta ugu soo gudbiyo. Afar xubnood oo FBI-da ka tirsan oo Garrett laftiisa uu ku jiro, oo laga soo diray safaaradda Mareykanka ayaa ku labistay khamiisyo si ay u fuliyaan howlgalka lagu soo xirayo ninka la doondoonayo. Markii ay gaareen albaabkii hoteelka, waxay ogaadeen in uu gudaha ka xiran yahay. Waardiyihii ayaa u yimid waxayna ka dhaadhiciyeen inay gudaha u gudbaan. Qolkii uu ku jiray markii ay tageen dhowr jeer ayay saaxiibadiis ku garaaceen, iyagoo u sheegaya in la gaaray xilligii salaadda. Islamarkii uu albaabka ka furayba waxaa gudaha xoog ku galay askartii FBI-da, halkaas ayaana lagu soo xiray Mir Aimal Kansi. Qorsheyn kaddib, eedeysanaha waxaa lagu celiyay Mareykanka, halkaasoo ay uga billaabatay maxkamadeynta la xiriirta weerarkii uu geystay. 10-kii bishii November ee sanadkii 1997-kii ayaa lagu riday xukun dil ah kaddib markii ay dambiga ku heleen garsooreyaasha maxkamad fadhigeedu yahay gobolka Virginia. Xukunka daldalaadda ahna waxaa lagu fuliyay 14-kii November, 2002-dii." https://www.bbc.com/somali/war-59282134 +politics Dibadbaxyada looga soo horjeeda Abiy Axmed oo 67 qof ay ku dhinteen "Wakaaladda wararka Reuters oo soo xigatay Taliyaha Booliska degaanka Oromada ayaa sheegay dadka rabshadaha dalka Itoobiya ku dhintay inay tiradoodu gaadhay 67. Taliyaha booliska Oromada Kafyalew Tefera wuxuu sheegay goobaha ay rabshadaha ka dhaceen ee ku yaalla deegaanka Oromada iyo magaalooyinka Diridhaba iyo Harar waxaa ku dhintay 62 qof oo rayad ah iyo 5 askari o boolis ah. Wargeyska New York Times wuxuu qoray dadkaasi dhintay 13 ka mid ah iney ciidamada ammaanku dileen halka dadka kale ee rabshadahaasi ku dhintay ay sababeen rabshada dhex maray mudaharaadayaal iska soo horjeeda. Maalinti shalay ahaydna BBC oo soo xiganeysa xogaha ay ka heshay madaxda dalka Itoobiya, xirfadlayaasha caafimaadka iyo dad goob joog ah iney tirada dadka rabshadaha ku dhintay ahayd 44, maantana tirada dhimashada ay ku kordhay 12 qof oo kale. Dr Dasalegn Fiqaadu waa dhakhtar takhasuskiisu yahay qalliinka oo ka howlgala Isbitaalka Adaama. Wuxuuna sheegay maalinti Arbacada oo ay rabshaduhu billaawdeen ilaa iyo maanta in isbitaalka la soo gaarsiiyey dad dhaawac ahaa oo marki dambe geeriyooday iyo dadka iyaga oo meyd ah la keenayba tiradooda ay gaadhay 16 qof, dad ka badan 100 qof oo dhaawacyo kala duwan ay rabshadaha ka soo gaareenna isbitaalka lagu daweeyey. ""Rabshadihi ka taagnaa magaalada Adama oo la moodo iney maanta soo yaraanayaan haddana waxaa weli isbitaalka soo gaaraya dad dhaawacyo cusub qaba"" ayuu yiri Dr Fiqaadu. Abinet Aklilu oo ku nool magaalada Kofale wuxu BBC u shegay inuu rabshadaha ku waayey 3 qof oo ay qaraaba yihiin. ""Dhalinyaro badan oo isa soo uruursatay ayaa guriga adeerkey nagu soo werartay marka hore waxay dileen aderkey Tamraat Tsegaye, kaddibna waxay dileen wiilkiisa, mar seddexaadna waxay dileen wiil seddexaad oo adeerkey dukaankiisa iibinayey sidaa ayey 3 qof nooga dileen"" ayuu yiri. ""Dadka nalaga dilay magaalada Kofale oo ay ku dhasheen xataa inaan ku aasno waa naloo diiday, ugu dambeynti rafaad badan kaddib waxaan seddexdooduba ku aasnay magaalada Adaama"" ayuu yiri Abinet oo BBC u warramay. Waddooyinki xirnaa Arbacada iyo Khamiista waxaa dib loo furay Jimcihi shalay ahaa. Rabshadaha labada maalmood magaladaasi ka dhacayna waxa 5 qof oo mid ka mid ah yahay askari boolis ah. Askariga oo maalinta Khamiista la dalay waxaa loo dilay aanoiyada oo lagu eedeeyey arbacadi inuu qof dilay. Magaalada Doddoola rabshadihi ka dhacayey Arbacada iyo Khamiista waxaa ku dhinatay 6 qof. Sida oo kale rabshadihi ka dhacayey bariga Hararge magaalooyin ka tirsan waxaa rabshadaha ku dhimatay 6 qof oo kale. Magaalooyinkaasi oo ay ka mid yihiin Deresa, Guro-guutu iyo Hamaresa. Magaalada Hararna waxaa rabshadaha ku dhimatay 3 qof. Diridhaba Agaasimaha Isbitaalka Dil-chorra ee magaalada Diridhaba Dr C/raxmaan Abubakar wuxuu sheegay: ""Magaalada Diridhaba Arbacadi in lagu dilay 1 qof, 4 qof oo dhaawac ahaan isbitaalka magaalada diridhaba loo keenay in lagu dabiibana ay dhaawaca u geeriyoodeen taasoo tirada dadka dhintay ka dhigeyso 4 qof"". Magaalada madaxada gobolka Bale ee Roobe oo ay rabshaa badan ka dhaceen tirada rasmiga ah ee dadka rabshadahaasi ku dhintay BBC ma aysan helin balse waxaa la shegayaa iney dhimasho iyo dhaawacba jirto. Jawar Maxammed ayaa sheegay in dowladda ay ka ceshatay ciidamadii ilaalinayay gurigiisa oo ku yaalla caasimada,balse waxaa arrintasi beeniyay saraakiisha dalkaasi. Arrintan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay afaafka hore ee guriga uu deggan yahay iyo qeybo kale oo dalka Itoobiya ka tirsan. Inkastoo rai'sul wasaare Abiy lagu ammaanay isbadallada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi. Booliiska Itoobiya ayaa waxay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay,balse hadalka ka soo yeeray Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda. Caasimadda Addis Ababa, ayaa taageerayaashiisa waxay balaanqaadeen in iyaga ay ammaankiisa sugayaan, waxaana la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay "" Abiy ha dhaaco."" Gubidda buugga rai'sul wasaaraha ayaa ka dhacday magaalada Dadar. Nuqulada buugga Mr Abiy ee lagu magacaabo, Medemer, oo la daabacay Sabtidii ayaa laga qaybiyay dalkaasi. Buugga ayaa waxa qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda rai'sul wasaaraha iyo sidoo kale halka uu higsanayo in uu Itoobiya garsiiyo. Mr Jawar ayaa warbaahintiisa, Oromo Media Network (OMN), u isticmaalay dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday 2016 ilaa 2018,xilligaasi oo uu dalka rai'sul wasaare ka ahaa Hailemariam Desalegn. Waqtigaasi ayaa warbaahinta OMN waxay heshay taageerayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa qoomiyada Oramada oo ah kuwa ugu tirada badan ee dalka Itoobiya oo iyagu dareemayay in dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaanba la gacan bidxeeyay. Xilligaasi saxafigan reer Itoobiya ayaa ku sugnaa Mareykanka oo uu haysto dhalashadiisa. Balse Itoobiya ayuu dib ugu soo laabtay ka dib markii Mr Abiy uu awoodda la wareegay bishii April ee sanadkii aanu soo dhaafnay halkaasi oo uu isbadalo ka bilaabay." https://www.bbc.com/somali/war-50194356 +sports Cumar Axmed: Soomaali orod-yahan ah oo ku guuleystay tartan balse wado khaldan ku orday "Ninkii ku guuleystay tartanka orodka kalabarka ah ayaa loo diiday guusha maadaama looga baahnaa oo keliya in uu ordo masaafe dhan 10k. Tartanka lagu magacaabo ""Bristol half marathon"" oo la ordo 22km, ayaa dhacay xilli uu socday tartanka kale ee ""Bristol 10k"" oo qeyb ka ahaa munaasabadda orordka Great Bristol oo qabsoomay maalintii Axadda. Cumar Axmed, ayaa markii hore isu diiwaan geliyay inuu ordo orodka 10k, balse waxa uu si khaldan uga qayb galay - kuna guuleystay - tartanka orodka kalabarka ah, kaasoo ku dhammeystiray 63 daqiiqo oo keliya. Wiilkan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa meel khaldan ka baxay markii uu gaaray goobta ay ku kala baxaan labada masaafe. Maamulka tartanka ayaa go'aanka dambe ee ay soo saareen ku sheegay in qofka tartanka sida saxda ah ugu guuleystay uu ku dhammeystiray 67 daqiiqo. Bayaanka lasoo saaray ayaa lagu sharraxay in Cumar uu meesha u yimid ka qayb galka tartanka 10k, loogana baahneyn tartanka kale, sidaas awgeedna ay ""nasiib darro"" ka qaadeen guusha uu gaaray. Waxa ay qireen in Cumar Axmed ""uu bandhig cajiib ah sameeyay"", hase yeeshee ay cabasho ka heleen tartameyaashii kale, kaddibna la sameeyay baaritaan ay natiijadan ka dhalatay. Paul Foster, oo ah madaxa shirkadda tartanka qabaneysay, ayaa intaas ku daray: ""Sharciyadu mar walba waa meeshooda, isma baddalaan, kiiskanina waxay sheegeen inaan ku khasban nahay in Cumar loo diido guusha. ""Waxaan la dhacnay bandhiggiisa, waxaana lagu martiqaaday inuu ka qayb galo tartanka dhici doona isbuuca dambe, oo lagu qabanayo magaalada Great Manchester. ""Dabcan waxaan sugeynaa inaan dib mar kale ugu soo dhaweyno tartanka Bristol ee dhici doona 2022-ka."" Tartanka Bristol 10k ayaa sida caadiga ah la qabtaa xilliga guga, tartanka kalabarka ahna waxaa la qabtaa dabayaaqada xagaaga, balse sanadkii lasoo dhaafay ayay labada tartanba u baaqdeen cudurka Covid-19 awgiis. Sanadkan ayay orod yahannadu ku tartamayeen qaybaha kala duwan ee bartamaha magaalada." https://www.bbc.com/somali/war-58629691 +politics Biden oo bixiyey amar ay u bareerin madaxweynayaashii ka horreeyey "Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo saaray amar lagu bartilmaameedsanayo qoryaha guryaha lagu haysto, ee loo yaqaan ""qoryaha cirfiidka"" kuwaasoo lagu sheegay iney diiwaangashanayn helitaankooduna adag yahay. ""Rabshadaha qoriga uu sababa oo gudaha Mareykanka ka dhaca waa masiibo"" ayuu yiri khamiistii Madaxweyne Biden ayaa ku dhawaaqay in la qaado tallaabboyin horleh oo loo marayo amar fulineed uu bixiyey, taasoon u baahneyn inuu aqalka kongreska meel mariyo. Tallaabbooyinkaasi oo ay ka mid yihiin noocyada qoryaha xeer in loo dajiyo, asalkooda in la baaro iyo in la taageero tallaabba kasta oo looga hortagayo rabshadaha maxalliga ah ee hubkaasi ka dhasha. Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha awaamiirtan cusub uu bixiyey wuxuu kala kulmi doonaan culeys aan yareen. Xaqa hub qaadashada maadaamaa uu ilaalinayo dastuurka labaad ee Mareykanka ee isbeddelka lagu sameeyey dad badanna xakameynta hubka ay u arkaan mid xadgudub ku ah xuquuq dastuuri ah oo ay muwaaddinintu leeyihiin. Saacado un marki ay ka soo wareegtay iclaaminta madaxweyne Biden ee hubka in la uruuriyo, hal qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday gobolka Texas ee Mareykanka. Halka shan qof oo goob ka dukaameysaneyna ay ku dhaawacmeen. Sida oo kalana hal askari ayuu dhaawac soo gaaray xilli ay booliska ku raad joogeen soo qabashada shaqsi lagu tuhmay inuu weerarkaasi geystay. Arbacadina 5 qof oo ay 3 ka mid ah yihiin carruur ayaa lagu dilay South Carolina. Qofka looga shakisan yahay inuu weerarka geystay oo magaciisa lagu sheegay Philip Adams uu yahay ciyaartooy hore. Weerarkaasina waxaa ka horreeyey labadi weerar ee ka kala dhacay Colorado iyo Georgia oo ay ku dhinteen 18 qof. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo Khamiisti ka hadlayey beerta Rose ee Aqalka Cad wuxuu sheegay dalka Mareykanka maalin kasta dad ka badan 106 qof iney naftooda ku waayaan weerarro hubkaasi loo adeegsaday. ""Arrintan waa masiibo, waa in la joojiyaa"" ayuu yiri. Wuxuu sida oo kale uu farriin tacsi ah uu diray ehelada dadki lagu dilay South Carolina. Amarka sare uu Mr Biden bixiyey oo uu gaarsiiyey Waaxda Caddaaladda waxaa looga fadhiyaa iney 30 maalmood gudahood uga so jawaabto ayna soo saato awaamiir lagu xakameyn karo hubka sharci darrada ah. Qoryahaan ayaa ah kuwo gacan ku sameys ah, taas oo micnaheedu yahay inaysan lahayn lambarra taxana ah oo laga tixraaco ama lagu raadin karo. ""Cid kasta oo dambiila ah ama argagxisa ah hubkaasi wey iibsan kartaa, wax ka yar 30 daqiiqana qori waa la isku xirixri karaa si hub dhammeystiran uu u noqodo"" ayuu yiri Mr Biden. Khubaraduna waxay sheegeen hubkan guriyaha lagu sameeyo in faldambiyeedyada ugu badan ee Mareykanka ka dhaca loo adeegsada. Wakaaladda hubka fudud u qaabilsan dowladda dhexe ee Mareykanka waxay sheegtay 40% qoryaha lagu qabtay Los Angeles ay ahaayeen 'qoryaha cirfiidka' ee aan lagu salgaari karin. Waaxda caddaaladda ayaa sida oo kale laga codsaday iney soo diyaariso sharci arrintan gacan ka geysanaya si ay dowladda ugu sahlanaato iney tallaabba sharciga waafaqsan u qaaddo. Sharcigaasi oo noqonaya mid maxkamadaha iyo hay'adaha sharci fulintaba u oggolaada shaqsiyaadka looga shakiya iney amniga bulshada ay halis ku yihiin iney hub ka baaraan ama ay kala wareegaan. Soo jeedinta madaxweyne Biden uu ku doonayo inuu tallaabba ka qaado xakameynta hubka waxaa si weyn u soo dhaweeyey kooxaha u ololeeya xakameynta hubka iyo ammaanka bulshada. ""Tallaabbadan aadka u qiimaha badan uu doonayo inuu qaado oo ka soo baxay madaxwyene Biden si uu u wajaho hubka khatarta badan ku haya Mareyknka, Biden waxay ka dhigeysaa madaxweynihi ugu horreeyey oo taariikhda Mareykanka oo mowqifki ugu adkaa ka qaato amniga hubka,"" ayuu yiri madaxa kooxdaasi John Feinblatt. Wuxuuna intaasi ku daray go'aanka uu maamulka Biden uu ka qaatay xakameynta 'hubka cirfiidka' ay shaki la'aan badbaadineyso nafaf tira badan. Ururka ugu weyn ee u ololeeya xuquuqda haysashada hubka ee dalka Mareykanka ee NRA tallaabbada uu ku dhawaqay Biden waxay ku tilmaantay 'mid xadka dhaafsiisan' iyaga oo sheegay iney diyaar u yihiin iney la dagaallamaan. Barasaabka gobolka Texas Greg Abbort amarka Biden uu bixiyey wuxuu ku tilmaamay 'awood loo adeegsanayo sidi nalooga qaadi lahaa hubka aan haysanno', isaga oo ballanqaaday inuu oggolaan doonin gobolkiisa amarkaasi inuu ka hirgalo. Balse khamiisti shalay ahayd wuxuu bartiisa Tweetar-ka uu ku soo qoray inuu ka shaqeynayo sidi loo ilaalin lahaa badqaba bulshada sarreynta sharcigana loo meel marin lahaa isaga oo carrabka ku dhuftay weerarki ka dhacay Bryan, isaga oo ballanqaaday tallaabba kasta oo sharciga lagula tiigsanaya shaqsi kasta oo weerarrada noocaasi ah looga shakisan yahay isaga oo tacsi u diray qoysaska weerarkaasi eheladooda ay waxyeellada ka soo gaartay." https://www.bbc.com/somali/war-56685985 +health Rwanda oo hoggaamineysa dagaalka lagula jiro kansarka minka ee Afrika "Kansarka noociisa ku dhaca minka ama makaanka dumarka waa kan afaraad ee saameynta ugu weyn ku yeesha haweenka guud ahaan caalamka. Laakiin Afrika wuxuu u geystaa dhimashada ugu badan marka meelaha kale la barbar dhigo, iyadoo xitaa uu yahay cudur laga hortagi karo. Hase ahaatee ol'ole caafimaad oo rajo fiican leh ayey Rwanda tusaale ugu noqotay waddamada kale ee qaaradda Afrika, waana mid ku dayasho mudan. Angeline Usanase, oo ku nool magaalada Kigali ee caasimadda u ah dalka Rwanda ayaa soo xasuusaneysa maalintii ay nolosheeda caafimaad gashay isbaddalka weyn. Waxay ahayd bishii November ee sanadkii 2017-kii markii ay dhiig ku aragtay surwaalkeeda. Maadaama ay da'deedu ahayd 67 sano, Ms Usanase ma aysan fileynin inay ku dhacdo caado, mana jirin sabab kale oo ay dhiig ugu arki karto xagga hoose. ""Waxaan aaday xaruntii caafimaad ee iigu dhaweyd, dhakhaatiirtii halkaas joogtay ayaana igula taliyay in la iga baaro kansarka ku dhaca minka"", ayey tiri. ""Natiijadii waxay noqotay in la iga helay cudurkaas. Aad baan u jahwareeray. Ma aamini karin arrintaas - waxaan u maleynayay inaan dhimanayo"", ayey sii raacisay hadalkeeda Ms Usanase waxay ku adkeysaneysaa in xilliga hore ee la ogaaday xanuunkeeda iyo daweynta deg-degga ah ee loo sameeyay ay nolosheeda badbaadisay. Laakiin maanta gudaha Rwanda, waxaa laga yaabaa inuusan cudurkaas ku dhici lahayn, waxaana taas looga mahadcelinayaa tallaal laga hirgaliyay guud ahaan waddankaas iyo ol'ole baaritaan ah oo lagu sameeyo kansarka minka. Kansarka ku dhaca makaanka dumarka ayaa ah nooca labaad ee aadka ugu badan haweenka qaaradda Afrika, balse waa midka sababa dhimashada ugu badan, sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO. Cudur-sidaha galmada lagu kala qaado ee loo yaqaanno HPV ayaa sabab u ah inta badan kansarka ku dhaca minka. Iyadoo heerka dhimashada ee xanuunkaas ka dhalata ay aad u badan tahay, islamarkaana uu jiro tallaal wax tar u leh ka hortagistiisa, haddana 10 waddan oo Afrikaan ah kaliya ayaa isticmaala tallaalkaas. Senegal waa waddanka kaliya ee galbeedka Afrika ku yaalla, oo tallaalkaas bixiya, halka dalalka kale, sida Nigeria ay marar dhif ah isticmaalaan, balse aysan heer qaran ka dhigin. Waxay xaaladdu u fiican tahay dhinaca bariga Afrika, halkaasoo tallaalkan laga isticmaalo waddamada kala ah Kenya, Uganda, Tanzania, Ethiopia iyo Rwanda. Rwanda ayaa sanadkii 2011-kii billowday ol'olaha lagu fidinayo tallaalkan oo loo yaqaanno HPV, waxayna tan iyo xilligaas dumarka ku dhiirrigalineysay inay daweynta xilliga hore raadsadaan. Qorshuhu wuxuu ahaa in haweenka la tallaallo, loona sharraxo faa'iidada uu leeyahay barnaamijka. Sanadkii ugu horreeyay ee ol'olaha, waxaa Rwanda u suurtagashay in tallaalkaas uu diyaar u ahaado 9 ka mid ah 10-kii haween ah ee ku nool waddankaas, arrintaas ayaana loo arkay guul ku dayasho mudan. Hase yeeshee dadaalka ay Rwanda sameyneysay kuma suurtagalin si sahlan.. Waxaa soo food saaray dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah. Balse waxay markii dambe dowladdu wadashaqeyn la sameysay hay'ad caalami ah oo dawooyinka ka shaqeysa, taasoo si bilaash ah ol'olaha ugu sameysay saddexdii sano ee ugu horreysay. Waxaa sidoo kale jirtay saameyn weyn oo ka imaaneysay dhinaca dhaqanka, taasoo u baahneyd in caqabaddeeda laga gudbo. ""Waxaa jira haween wali aaminsan in kansarka minka uu sababu yahay sixir, waxayna u tagaan sixirooleyaal ay dawo u doontaan, iyagoo markaasna kasoo horjeesta daweynta saxda ah"", ayey tiri Ms Usanase. Waxay intaas ku dartay in haweenku ay xitaa ka cabsi qabaan in qalliin looga saaro minka. Laakiin qalliinka waxaa lagu sameeyaa haweenka uu ku dhacay kansarka minka, mana aha hab looga hortago xanuunkaas. Waddanka Australia ayaa tallaalkan billaabay sanadkii 2007-dii, laakiin wuxuu dalkaas baaritaanka kansarka minka waday tan iyo sanadkii 1991-kii. Hadda kiisaska cudurkaas ee waddankaas waxay marayaan 7 kiis oo laga helo boqolkii kun ee ruuxba. Sanadka 2020-ka ayaa la filayaa inuu intaas kasii hoos maro oo uu gaaro 6 kiis boqolkii kun ee ruuxba. Ka dib markii ay Rwanda gaartay guul, dalalka kale ee Afrika ayaa hadda ku socda raadkaas. Bishii October ee sanadkan, dowladda Kenya ayaa waddankeeda si buuxda uga hirgalisay tallaalka HPV. Waxay Kenya dooneysaa inay sanad walba tallaasho gabdho gaaraya 800,000, oo dhammaantood ay da'dooda tahay 10 sano. ""Sagaal haween ah ayaa maalin walba Kenya ugu dhinta cudurka kansarka minka. Tani waa tallaabo looga hortagayo cudurkaas, iyadoo la tallaalayo gabdhaha, dumarkana la baarayo"", sidaas waxaa tiri Marleen Temmerman, oo ah barfasoorad ka tirsan isbitaalka Aga Khan University ee magaalada Nairobi. Haddii aan dib ugu laabanno Rwanda, wali waxaa socda qorshe sare loogu sii qaadayo dagaalka ka dhanka ah kansarka minka. ""Gabdho badan oo aan da' yareyn iyo haween ayaan fursad u helin tallaalka, waxaana ugu badan dumarka ay da'doodu u dhaxeyso 30 ilaa 49 sano"", ayey tiri Dr Uwinkwindi. Ms Usanase ayaa hadda sheekadeeda la wadaagtay warbaahinta, iyadoo ujeeddadeedu ay tahay inay sameyso wacyigalin ku aaddan ka hortagista iyo daweynta xilliga hore ah ee cudurkaas dilaaga ah." https://www.bbc.com/somali/war-50588428 +politics Trump oo qabsaday ololihiisa doorashada ee ugu dadka yaraa "Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qabsaday ololahiisa doorashada ee uu horreeyey tani iyo marka uu dalka mareykanka ka dhaqan galay xayiraadaha ka dhashay coronavirus, dadka ololaha ka qayb galay oo aad uga yaraa inti la filayey iney ka soo qayb galaan. Mr Trump ololahiisa doorashada uu ku qabanayey Tulsa, ee gobolka Okolohama waxaa horraanti toddobaadkan tikidhada goostay dad ka badan malyan si ay uga soo qayb galaaan isu soo baxaasi olalaha doorashada. Balse goobta oloaha doorashada Trump inuu ku qabsado loo diyaariyey oo qaaddo 19,000 oo qof ayaa u muuqatay mid inteeda badan madhan. Iyada oo tirada dadka aadka u yar ee ka soo qayb galay loo sababeeyey xaaladda cudurka safmarka, iyada oo dadka qaarna ay walaac ka muujiyeen xilli uu cudurku taagan yahay in dad badan hal goob la isugu keeno. Dadka ka soo qayb galay ololaha Trump ayaa la filayey iney saxeexaan nidaam ay kaga hortagayaan faafitaanka cudurka. Saacada ka hor inta uu iisu imaatinka ololaha doorashada qabsoomin lix ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya ololaha Trump oo la baaray in Covid-19 laga helay. Madaxweyne Trump oo ku dhawaad laba saacadood taageerayaashiisa la hadlayey ayaa dadka iisu soo baxa ka qayb galay ku tilmaamay ""dagaalyahanno"", iyaga oo aan dhag jalaq u siinin waxa ay sheegayaan warbaahinta iyo mudaharaadyada socda toona. Goobta ololaha uu ka dhacayeyna waxaa ka dhacay xoogaha rabshada ah balse ma ahayn mid sidaa u weyn sida ay wararku ku soo warramayaan. Ololaha doorashada Trump uu ku doonayo in markale xilka loo doorto ayaa noqoday iisu imaatinka ugu weynaa ee dahaca tani iyo marki la soo rogay xayiraadihi ka dhashay faayraska corona. Mr Trump ayaa khudabadda uu taageerayaashiisa u jeediyey ku weeraray musharraxa la loollamaya Joe Biden, isaga oo ku eedeeyey inuu ku lug lahaa rabshadaha waddooyinka ka dhacay ee lagu dalbanayey caddaaladda cunsuriyadda. Sida ay tibaaxeyso xogta ka soo baxday jaamacadda Johns Hopkins dalka Mareykanka waxaa laga helay in ka badan 2.2 malyan oo kiis oo faayraska Corona halka ay 119,000 ay cudurka u dhinteen. Mr Trump Khudabaddiisa wuxuu ku billaabay ""Dad xun iney dibadda wax xun ka sameynayaan"" balse ma carrabaabin dadkaasi waxa ay yihiin. Mar uu ka hadlayey jawaab ka bixinta coronavirus wuxuu sheegay inuu dhiirragelinayo madaxda dalka iney yareeyaan tirada dadka cudurka laga baarayo maadaamaa ay keeni karto tira badan in cudurka laga diiwaangeliyo. ""Markasta oo aad baaritaan aad u badan sameeysaan dad badan ayaad cudurka ka heleysaan, iyo kiisas cususb ee cudurka,"" ayuu yiri maruu Trump la hadlayey taageerayashiisa. Waxyar kaddibna qaar ka mid ah mas'uuliyiinta aqalka cad waxay sheegeen ""dhab ahaan inuu iska kaftamayo"". Mr Trump oo ka hadlayey musharraxa ay ishayaan ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden wuxuu ku tilmaamay ""Boombalo garab ka waayey xagjirka siyaasaddoodu tahay bidixda"". Anthony Zurcher Wariyaha ka soo warrama waqooyiga Mareykanka Ololaha doorashada madaxweyne Trump ee ka dhacday Tulsa waxay u muuqatay sawir la mid ah ololahiisa horay looga bartay , Waxa keli ee ololahan ka dhinnaa ayaa waxay tahay tirada dadka ka soo qayb galay oo aad u yaraa kuraasta goobta ololaha lagu qabtay badankoodna ay ahaayeen kuwa maran xilliga madaxweynaha taageerayaashiisa la hadlayey. Eedda ugu horreysa waxaa iska leh Coronavirus oo sababay dad badan iney ka joogaan ka soo qayb galay ololahaasi. Eedda labaadna waxaa iska leh mudaharaadyada socda oo sababay iney dad badan oo ololaha ka soo qayb geli lahaa ay waddooyinka ka xiraan. Midda kale ee keentay iney tirada dadka ka soo qayb galay ololaha doorashada Trump waxaa weeye dad aad u badan oo tikidhada ololaha ay kaga soo qayb geli lahaayeen ay soo dalbadeen balse badankood ay ahaayeen codsiyo been ah. Maayar GT Bynum wuxuu Khamiisti ku dhawaaqay bandow laga hirgelinayo goobta ololaha doorashada lagu qabanayo si looga hortago xasilooni darro halkaasi ka dhalata. Balse Mr Trump ayaa Jimcihi ku dhawaaqay in bandowga la qaaday si ay mudaharaadayaasha u helaan fursad ay ololaha doorashada kaga soo qayb galaan. Madaxweyne Trump ayaa qorsheynayey inuu ololahiisa doorashada uu qabto maalinta Jimcaha balse maalin ayaa dib loo dhigay maadaamaa ay isku soo beegmeen xuska xilliga addoonsiga dalkaasi Mareykanka oo soo gabagaboobay ee loo yaqaanno Juneyeenth. Tulsa sanadki 1921-kii waxaa ka dhacay xasuuq ay dad caddaan u geysteen dad madow ah oo lagu dilay dad lagu qayaasay 300 oo qof oo madow ah. Iisu soo baxa xuska Jenteenth oo Jimcihi ka dhacay Tusla, Al Sharpton oo ah nin u dhaqdhaqaaqa xuquuda dadka rayadka ah oo halkaasi ka hadalay wuxuu sheegay dadka xuquuqda u ololeeya ""iney Mareykanka markale ka dhigayaan dal fac weyn.""" https://www.bbc.com/somali/war-53125507 +health Muxuu Shiinaha u soo saaraa cabitaankan u dhahama sida caanaha? "Jaceylka ay dadka Shiinaha u qabaan caanaha ayaa sii krdhayay sanadihii u dambeeyay. Dadka Shiinaha ku nool oo ay tiradooda ay ku dhawdahay 1.4 bilyan oo qof ayaa imika ah dalka labaad ee isticmaala caanaha ugu badan ee la soo saaro. Shiinaha wuxuu soo dhoofsadaa naanaha si loo helo wax soo saar ku filan shacabka dalkaas. Dalalka caanaha u dhoofiya Shinaha waxaa ka mid ah New Zealand iyo Jarmalka. Arrinta xiisaha leh waxay tahay in qaar badan oo ka mid ah dadka Shiinaha si la mid ah kuwa kale ee Eeshiya ay caanaha ku xanuunsadaan marka ay cabaan. Waxay xanuun kala kulmaan dheef-shiidka. Daraasad laga sameeyay Shiinaha, muujinaysaa in qiyaastii 92% boqolkiiba dadka waawayn ay dhibaato kala kulmaan cabidda caanaha. Warbixin kale oo dhawaan ay soo saartay hay'ad ka shaqeysa arrimah daawada ayaa lagu sheegay in marka caruurta ay gaaraan 11 ilaa 13 sano, ay boqolkiiba 40% qiyaastii ay lumiyaan awooddii dhanka dheefshiidka. Hadaba, sidee dhab ahaantii caanahan ku qulqulaya dalkaas yihiin, maxayna tahay sababta uu Shiinaha sidaa ugu farxo caanaha? Inta badaneyd qarnigii 20-aad, isticmaalka caanaha ee dalka Shiinaha waxay ahayd arrin aad u hooseysay, waxaa sidaasi sheegay Thomas Dubois, oo ah macalin wax ka dhiga jaamacadda Beijing Normal, wuxuuna darsay wax soo saarka dhanka caanaha ee dalkaas. Dadka waawayn ee Shiinaha ayaa u arkayay in caanaha ay yihiin kuwa loogu talagalay caruurta oo kali ah. Waxaa dalka Shiinaha ka jira tira aad u yar oo ku nool waqooyiga bari ee Shiinaha kuwaas oo dhaqda lo'da waxayna caanaha u iibgeeyaan dalka Ruushka gaar ahaan magaalada Harbin. Sannadkii 1980-maadkii, caanaha la qaso ee dlka Shiinaha waxay ahaayeen kuwa caafimaad leh waxaana la siin jiray oo kali ah caruurta iyo dadka da'da ah. Horraantii 1980-maadkii, waxaa aad ugu yaraaday caanaha waxayna dadka saf u gali jireen sidii ay u heli lahaayeen caano. ""Xaqiiqadii waxaa go'aan laga gaari jira inta caano ah ee aad helayso,"" ayuu yiri Dubois. Markii al soo gaaray sannadkii 1990-kii, iyo horraantii 2000, waxaa fududaatay in la helo caanaha dalkaasi Shiinaha. Waxaa laga dhisay warshado sameeya caanaha. Qaar ka mid ah warshadahaas waa kuwa ugu waaweyn caalamka ee sameeya caanaha. Xitaa fadeexaddii 2008, waxyaabihii lagu daray caanaha, si sare loogu qaado barootiinka, taa oo ay ku dhinteen 6 caruur ah ayna ku xanuunsadeen kumannaan kale, ma sababin in la joojiyo isticmaalka caanaha dalkaasi Shiinaha. Thomas Dubois, oo ah macalin wax ka dhiga jaamacadda Beijing, Shirkaddiisa Dubois waxay sheegtay in fadeexadaas ka dib, iibsiga caanaha ay hoos u dhaceen boqolkiiba 80%, tobankii maalmood ee ka dambeysay fadeexada, balse islamarkiiba hadana ay sare u kaceen tirada dadka isticmaala. Caanaha iyo wax soo saarka kale ee la xiriira UHT oo waqtiga dheer dalkaas laga heli jiray, ayaa ah kuwa laga heli karo Shiinaha sidoo kalena raqiisa ah. Hadaba sidee isula jaanqaadayaan in lagu xanuunsado caanaha sida ay Seynisyahannada sheegeen iyo dadka Isticmaala ee badan? Prof Dubois wuxuu sheegay ""in markii uu mashruucan caanaha bilaabayay uu dadka waydiin jiray sida ay ula tacaalaan dhibaatada dheefshiidka ee ay caanaha leeyihiin."" Wuxuu intaa ku daray ""waxay iigu jawaabayeen haddii caanaha markii aan cabno ay na dhibayaan waan joojinaynaa." https://www.bbc.com/somali/war-54626426 +health 7 jimicsi oo laga helo caafimaadka ugu fiican ilaa waqtiga gabowga "Waxyaabaha lagu xoojiyo murqaha - sida qaadista miisaanka culus - waa in ay qeyb ka noqdaan jimicsiyada toddobaadlaha ah ee uu sameynayo qofka da'da ah, sida lagu sheegay daraasad la sameeyay. Cilmibaareyaal u dhashay Mareykanka ayaa ogaaday in dadka sameeya jimicsiga boodboodka ah iyo tababarka lagu xoojinayo murqaha ay ka caafimaad wanaagsan yihiin dadka aan sameyn jimicsi ama kuwa jimicsiga yar sameeya. Laakin uma baahnid inaad aaddo goobta jimicsiga ama Gym-ka. Qofka waxaa ku filan in uu qaado bacaha lagu qaato alaabaha culus, beer falista iyo jimicsiga lugaha. Hay'adda daryeelka caafimaadka ee UK, oo magaceeda loo soo gaabiyo NHS, ayaa dadka ay da'doodu ka sarreyso 65 sano kula talisay in ay dhaqdhaqaaqyo firfircooni ah sameeyaan maalin kasta, iyagoo sameynaya jimicsi lagu xoojinayo murqaha, dheellitirnaanta iyo dabacsanaanta jirka, kaasoo ay ka dhigi karaan ugu yaraan labo jeer toddobaadkii. Khubarada ka howlgasha NHS waxay sidoo kale dadka kula taliyeen inay toddobaadkiba hal mar qabtaan shaqo dhexdhexaad ah oo qaadan karta 150 daqiiqo ama 75 daqiiqo. Waxaa la og yahay in garaaca wadnaha oo si joogto ah u kordha uu xoojiyo caafimaadka qofka isla markaana dadka ka caawiyo inuu caafimaadkooda u fiicnaado marka ay gaaraan da'da celcelis ahaan ay dadku ku dhintaan. Laakin seynisyahannada caafimaadka ayaa ku dadaalaya in ay wax badan kasii ogaadaan saameynta uu jimicsiga lagu xoojinayo murqaha ku leeyahay caafimaadka dadka marka ay gaaraan da'da gabowga. Daraasadda lagu sameeyay Mareykanka oo lagu daabacay Majalladda ""British Journal of Sports Medicine"" ayaa lagu wareystay in ka badan 150,000 oo qof oo da'doodu u dhaxayso 60 ilaa 70 jir, waxaana wax laga weydiiyay dhaqdhaqaaqooda dhanka jimicsiga ah kaddibna waxaa dabagal lagu sameeyay arrintaas. Cilmi-baarayaasha waxay ogaadeen in dadka raacay talooyinka caafimaad ee ku aaddan in 150 daqiiqo oo jimicsi dhexdhexaad ah la sameeyo toddobaad kasta ay ka caafimaad wanaagsan yihiin kuwa aan sameyn laakiin kuwa isku-darsaday sameynta jimicsiga caadiga ah iyo jimicsiga bood-boodka ah iyo hawlaha xoojinta murqaha hal ama laba jeer toddobaadkii ayaa xitaa ka sii wanaagsan. Daraasadda waxay sidoo kale sheegtay in boqolkiiba 47 dadkan sameeya jimicsiga ay yartahay inay ""u dhintaan sababo caafimaad darro marka laga reebo kansarka"". Miisaanka culus ee la qaado ayaa hoos u dhigi karaa halista caafimaad 9-22% halka jimicsiga bood-boodka ah uu hoos dhigi karo halista caafimaad darrada 24-34%. Socod-boobsiiska, orodka, baaskiil wadidda iyo dabaasha waa tusaalooyin dhanka jimicsiga ah, kuwaas oo ka shaqeysiiya wadnaha iyo sambabada. Waxa kale oo ay daraasadda sheegtay in dumarka ay faa'idooyin badan ka helaan jimicsiga dhanka qaadista miisaanka culus marka loo eego ragga. Kooxda cilmi-baarista samaysay oo ka socotay Machadka Kansarka Qaranka ee Maryland iyo Jaamacadda Iowa, oo labaduba ku yaalla dalka Maraykanka, ayaa faahfaahin ka bixiyay in jimicsiyada xoojinta murqaha ay jirka ka dhimaan miisaanka qofka, lafahana ay noqdaan kuwo xoog badan, taas oo keenta in dadka da'da ah ay helaan nolol caafimaad leh. ""Dadka da'da weyn waxay u badan tahay inay ka faa'iidaysan karaan inay sameeyaan jimicsi miisaan-qaadis ah oo ay ku darsan karaan hawlahooda shaqo."" Sida laga soo xigtay hay'adda NHS, Jimicsiyada lagu xoojinayo murqaha waxaa kamid ah: Daraasadda waa mid muhiim ah oo kormeer ku sameysay xaaladda balse ma caddeyn karto in miisaan qaadista ay qofka ka dhigeyso in uu caafimaad wanaagsan helo marka uu gaaro da'da celcelis ahaan ay dadka ku dhintaan. Waxaa kale oo ay natiijada cilmi-baaristu ku xirneyd dadkii lagu wareystay daraasadda, gaar ahaan sida ay u xusuusteen inta jimicsi ee ay sameeyeen. Cilmi-baareyaashu waxay isku dayeen inay meesha ka saaraan arrimo kale oo laga yaabo inay saameyn ku yeeshaan natiijada daraasadda, sida waxbarashada, jinsiga iyo qowmiyadda, laakiin waxaa usoo baxday natiijo isku mid ah." https://www.bbc.com/somali/articles/cjqvqw992qzo +entertainment Nin guur-doon ah oo sameeyay ficil ay dad badan la yaabeen "Nin raadinaya cid jeclaata ayaa boor uu sawirkiisa ku dhagan yahay ka taagay magaalada Manchester isaga oo dalbnaya cid uu haasaawa la wadaago. Waxaan ka quustay haasaawaha, Mark Rofe waxaa uu go'aansaday in uu bixiyo lacag dhan £425 gani istarliinka ah oo uu ku soo iibiyay boor wayn oo uu ku dhajiyay sawirkiisa kaasi oo uu dhigay waddo mashquul badan oo ku magaalada Manchester. Ninkani oo ah 30 jir islamarkana ka soo jeeda magaalada Sheffield ayaa ku raja wayn in noolashiisa uu ku soo biiri doono qof ku haboon oo uu noolsha la wadaago. Waxaa uu yiri: ""waxaa ila soo xiriiray dad ka badan 100 balse nasiib daro kala bar rag ayay ahaayeen, balse wali waxaan dareemayaa in la i maamuusay."" Mr Rofe, oo lamaana la'aan ahaa imika muddo sanad ah, ayaa sheegay in uu soo iibsaday boor dheerarkiisu dhan yahay 3 mitir islamarkana uu balaciisu yahay 6 mitir si ay dadka meel dheer uga soo arkaan. Mr Rofe ayaa sheegay in xaaibadii ay intooda badan guursadeen islamarkana qaar kale ay xiriir haasaawe muddo dheer ay ku jiraan. ""Saaxibada aan leeyahay ayaan uga sheekeeyay sida aan ula daalaa dhacayo habka casriga ah ee internet-ka ee la iska shukaansado,waxaana kula kaftamay in boor inta aan sawirkeyga ku dhajiyo aan waddada dhigo"" ayuu yiri. Waxaa uu intaa ku daray Mr Rofe in markii uu saaxibadii fikradan u soo jeediyay ay ku qosleen. ""Waan ku qosolnay fikirkan markaasi ka dib ayaan ka fikiray inay fikrad wanaagsan tahay."" Ayuu yiri. Boorkan oo uu ninkani dhigay waddada Fairfield, ayaa waxaa ku dhagan sawirkiisa isaga oo dhinac-dhinac u jiifa kuna tiirsaday gacantiisa. Waxaa sidoo kale boorka uu ku qoray cinwaanka magaca barta uu internetka ku leeyahay ee lagu haasaawo ee DatingMark.co.uk. Bartan uu Internetka ku leeyahay ayaa waxaa uu ku qoray taariikhdiisa iyo in uu yahay ""nin si aad ah u qurux badan "" islamarkana oo waxa uu casuumay qof kasta oo doonaya in uu la haasaawo"" Mr Rofe, oo ka shaqeeya shirkad suuq geynta ka shaqaysa, ayaa sheegay in uu la yaabay inta qof oo la soo xiriirtay islamarkana uu qorshaynayo in uu u wada jawaabo. Waxaa uu yiri: ""Dadka qaar ayaa laga yaabaa in ay u maleeyaan in aan waalnahay markaan bixinayay lacag dhan £425, balse haddii aan jeceyl helay marakasi waa raqiis." https://www.bbc.com/somali/war-51345145 +sports Waa tuma gabadha qaadday Koobka Quruxda Adduunka 2022? """Gabadheyda waxay ka dhabeysay riyadeyda. Markii la doortay markii saddexaad, wadnaheygu si xoog ah ayuu u garaacmayay. Haatan wax kale kama doonayo Ilaahey'' ayuu yiri GS Kaushal, oo ah aabbaha Sargam. “Markii ay muraayadda isku eegto ee ay labisato, waxay u muuqatay mid heer gaari doonta. Inkastoo ay caato ahayd, way ka cago jiideysay inay tartankan oo kale ka qeyb gasho. Balse shaqada adag ee Sargam iyo kooxdeeda, ayaa suurto gelisay arrintan. Tani sharaf ayay noo tahay. Sargam kleiya koru ma qaadin magaca Hindiya balse sidoo kale keenna ayay sare u qaadday.''- Meena Kaushal, oo ah hooyada Sargam ayaa sidaas tiri. “Qeyb ayaan ka ahaa guddiga dooranayay ka qeyb galayaasha Hindiya. Waxaan sheegay in Sargam ay rajo leedahay markaanna aan heli doonno cinwaankaas.'' Ayay tiri Aditi Govitrikar, oo hore koobkan u qaadday. Sargam Kaushal oo Hindiya ka soo jeedda ayaa ku guuleysatay Gabadha ugu Quruxda Badan Adduunka ee 2021-2022 kaddib tartan ka dhacay Las Vegas, USA. Sargam oo warkan ku shaacisay barteeda Instagram, ayaa waxay tiri, ""Sugitaankii dheeraa wuu dhammaaday. Dib ayaan taajka u helnay 21 sano kaddib. Sargam Kaushal, oo ka soo jeedda gobolka Jammu, ayaa haatan ku nool Mumbai. Aaabbaheed GS Kaushal, oo ku sugan Jammu, ayaa u sheegay BBC, ""Markii gabadheyda ay labo sano iyo bar jirtay, waxaan u arkayay qof aan caadi ahayn wejigeeduna wuxuu ahaa mid gaar ah oo dadka kale ka duwan. Waxaan rajeyn jiray inay sidoo kale ka qeyb gasho Miss Femina, balse way ka cago jiidi jirtay inay ka qyeb gasho taratama quruxda. GS Kaushal ayaa sheegay in kaddib markii ay Sargam billowdya ka qeybgalka tartamada quruxda ay ku guuleysatay gabadha ugu qurxan Hindiya sanadkan. Kan adduunka waxaa ka qeyb galayay 51 qof. Tartamayaasha ayaa ka soo jeeday 63 dal. Aabbaha ayaa yiri, ""Markii aan arkay dad badan oo ka qeyb galaya tartankan heer calami, waxaan is iri Sargam kuma guuleysan karto, balse kalsoonideeda ayaa awood i siisay. Ilaa 44 tartameyaal ah ayaa wareegga hore ku haray. ""Dhammaanteen waxaan ka daawaneynay telefishinka, markii ay soo gashay kaalinta sdadexaadna, haba na weydiin xaalkeennu siduu ahaa."" Taariikhda Tartanka Quruxda Hablaha ee Adduunka Tartanka quruxda ayaa la bilaabay sanadkii 1984 waxaana loo sameeyay haweenka la qabo. Aditi Govitrikar ayaa sheegtay in haweenka la qabo la doonayay inay fursad ka helaan waxyaabaha lagu madadaasho ee adduunka. Sida xogta lagu hayo, David Marmel ayaa billaabay tartankan. Haweenka ka soo jeeda Mareykanka, Sri Lanka, Peru iy Ruushka ayaa siddeed jeer ku guuleystay tartankan." https://www.bbc.com/somali/articles/cjlrjjzzxn4o +politics Soomaalida u tartameysa doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka "Dalka Mareykanka waxaa maanta ka dhaceysaa doorashada xilliga dhexe oo la qabto labada sano ee ugu horreysay muddo xileedka madaxweynaha, waxaana doorashadan ka qeybgalayaa musharraxiin dhowr ah oo ay Soomaali ku jirto. Doorashadan oo ay isku hayaan xisbiyada dimuqraadiga iyo Jamhuuriga waxaa ka qeybgalaya 11 qof oo Soomaali ah oo u tartamaya xilal kala duwan, inta badan waxa ka kala tartamayaan gobollada Maine, Minnesota, Ohio iyo Washington. Waxaan halkan idin kugu soo koobeynaa qaar ka mid ah Soomaalida ka qeybgaleysa tartanka doorasahdan. Ismaaciil Maxamed wuxuu kursiga degmada saddexaad ee gobolka Ohio. Waa nin da' yar oo qareen ah oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga. Ismaaciil iyo qoyskiisa waxay markii hore ka qaxeen Soomaaliya sanadihii 1990-meeyadii xilliggii dagaalladii sokeeye, waxay u qaxeen dhinaca Itoobiya kadibna waxay usoo tallaabeen xeryaha qaxootiga Kenya halkaasoo uu waxbarashadiisii asaasiga kusoo dhigtay. Ismaaciil wuxuu ka baxay dugsiga sare ee Northland High School, wuxuu ka qalinjebiyay jaamacadda Ohio State University, wuxuu ku takhasusay cilmiga siyaasadda kadiba wuxuu bartay cilmiga sharciga. Wuxuu sanadkii 2018 ka qeybgalay dooorashadii isreeb reebka aheyd ee degmada 25 aad ee Ohio balse kuma uusan soo bixin. Ismaaciil wuxuu sheegay in haddii lasoo doorto uu ka shaqeyn doono sidii shacabka deegaankiisa ay ku heli lahaayeen waxbarasho tayo leh iyo ka shaqeynta arrimaha horumarka ee degmada. Deeqa Dhalac oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa hadda ka hor loo doortay golaha deegaanka ee South Portland City ee dalka Mareykanka, waxay xilliggaas ka guuleysatay nin ganacsade caddaan ah oo caan ka ahaa deegaankaasi. Gabadhan oo horay uga shaqeyn jirtay arrimaha bulshada ayaa xilliggaas noqoneysa qofkii ugu horreeyay oo Muslim ah oo deegaankaasi laga doortay. Deeqa ayaa waxa ay daganayd magaalada South Portland muddo 10 sano ah, waxa ayna ka soo qabatay barnaamijyo kala duwan sida qaybta xanaanada carruurta, qaybta guryaha ee magaalada iyo barnaamijyo caafimaad. Deeqa Dhalac waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay oo mayar ka noqotay magaalada South Portland ee gobolka Maine, haatan waxay u tartameysa golaha hoose ee Maine. Maana Cabdi oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga , waxay kamid tahay Soomaalida u tartameysa doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka, waxay u tartameysa degmada Lewiston kursiga 95-aad ee gobolka Maine. Waxay timid Mareykanka iyadoo yar, waxay ka qalinjebisay jaamacadda Maine, kaligeed ayaa ku tartameysaa maadama musharraxii ka socday xisbiga jamhuuriga uu ka haray tartanka xilli la sheegay in baraha bulshada uu soo dhigay qoraal uu ku sheegay in Muslimiinta xilka ma qaban karaan. ""Waxa dabada iga riixaya ayaa ah in aan arko qof kasta oo ku nool halkan oo horumar gaaray, in aan u tartanno xil waxay muujineysaa in aan halkan joogno si aan horumarka uga qeybqaadanno"" ayay tiri Maana Cabdi oo u warramaeysay wakaaladda wararka ee AP. Muniira Cabdullaahi waxay ka tirsan tahay xisbiga dimuqraadiga, waxay u tartameysa degmada 9-aad ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka. Waxay kusoo barbaartay magaalada Columbus, waxay cilmiga siyaasadda ka baratay jaamacadda Ohio, waxay muddo 10 sano ah kusoo dhex jirtay ka shaqeynta adeegyada bulshada. ""Waxaan u tartamay xil sababtoo ah waxaan arkay sida bulshada ay ugu baahan tahay hoggaamiyeyaal fahmi kara dhibaatooyinka ay maalin kasta wajahayaan bulshada"" ayay tiri Muniira sida ay ku qortay bog ay iyadu leedahay. Ka dib markii ay ku guuleysatay doorashadii is ree-reebka ee xisbigeeda, Ilhaan Cumar waxay doorashada berri oo Talaalado ah dhacaysa kula tartami doontaa haweeney iyadana Madow ah oo la yirahdo Cicely Davis oo ka socota xisbiga Republican-ka. Ilhaan ayaa markii ay soo galaysay Aqalka waxa ay maalintaas ku soo labisatay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, sida caadada u ahaydna madaxeedu wuu dadnaa oo way xijaabnayd. Ilhan waxay ku guuleysatay kursiga gobolka Minnesota ee Kongreska bishii November 2016, iyadoo noqotay mid ka mid ah labada hablood ee Muslimka ah ee ugu horreeyay abid oo loo doortay aqalka Kongreska Mareykanka. Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Kongreska iyadoo xiran xijaab." https://www.bbc.com/somali/articles/cevg9expl5do +sports Cabdi Shariif waa Soomaaligii ugu horreeyey ee u ciyaaraya kooxda Liverpool "Cabdi Shariif waa wiil Soomaaliyeed oo u ciyaara Kooxda Liverpool. Wuxuu kooxda la saxiixday heshiis heer sare ah oo uu kaga mid noqonayo laacibiinta ay Liverpool ku tashato. ""Laacibkan qadka dhexe ee 18 jirka ah wuxuu kooxda ka tirsanaa illaa markii uu lix jirka ahaa, wuxuuna seddax sano ka hor billaabay inuu kooxda u ciyaaro"", ayaa lagu yiri warsaxaafadeed Liverpool ay soo saartay. ""Wuxuu ciyaaraha ku billaabay tartanka FA-ga ee dhallinyarada, wuxuuna kullankii ugu dambeeyay dhaliyay gool ku laad ay Liverpool ku qaaday koobka. Waxay ahayd markii ugu horeysay muddo 12 sano ah oo kooxda ay heerkaa gaarto"". Steven Gerrard wuxuu toddobaadki hore sheegay ""In dhaab dhismeedka Cabdi uu u dhigmo ciyaartooyda waaweyn"". Wuxuuna Gerrard intaasi raaciyey ""Cabdi inuu orodka aad ugu wanaagsan yahay, uuna lugo dhaadheeryahay. Wuxuu ka dhex muuqday kooxdiisa iyo ciyaartooyda Keydka, sidaa darteed waxaan isku dayeynaa inaan Cabdi ku boorino sidii uu u noqon lahaa mid ciyaaraha ka qayb qaato."" ""100/100 waan ku raacsanahay, Shariif 17- jir ah inuu tababar uu dhawaan ku qaatay Akaadeemiga kooxda si uu uga mid noqdo kooxda Liverpool. ""Billow aad u wanaagsan ayaan ku billaawday xilli ciyaareedkan, laakiin ciyaartooy kasta wuxuu leeyahay xirfad ciyaareed oo u gaar ah aniguna waxaan wadaa dadaal inta awooddeyda ah."" ""Steven iyo tababaraha wax badan ayey igu dhiirrageliyaan ciyaartoy ahaanna aad ayaan ugu baahanahay. Aniga ahaan si aan xirfaddeyda ciyaareed u soo saaro oo aan ciyaaraha heerki looga baahnaa uga gaaro, dhiirragelinta noocaasi waan u baahanahay. Steven wuxuu marwalba igala shaqeeyaa sidi aan xirfaddeyda goor walba ku hormarin lahaa."" Cabdi Shariif wuxuu ku dhahshay Soomaaliya wuxuuna ku soo barbaaray Toxteth, Sharif wuxuu ciyaaraha kubadda cagta billaabay marki ay qoyskiisa u hayaameen dalka UK isaga oo 3 jir ah. Wuxuuna wakhtiga carruurnimadiisa u la soo qaatay bulshooyinka St Margaret's iyo Dugsiga hoose Lawrence, inta badan xilliyada uu fasaxa yahay isaga iyo walaalkii oo 9 jir ah kana isaga ayay wada ciyaari jireen kubadda cagta. ""Taageerayaal badan ayaan lahayn aniga iyo walaalkeey markaan kubadda wada ciyaari jirnay. Waxaanna ahaa qof adag guul darrada ama in la iga raayana ma jecleen"" ayuu yiri ciyaartooyga da'da yar Shariif. Marka ay da'diisu lix jir gaartay, Shariif wuxuu nasiib u helay inuu tababar uu ka helo Liverpool wuxuuna si toos ah uu ugu biiray akaadamiyada kubadda cagta Liverpool. ""Marwalba waxaan u fiirsadaa Cabdi Shariif. Markasta oo uu ciyaaraya si gaar ah ayan u daawadaa ciyaaraha soo bandhigo, xeeladihiisa, xirfaddiisa, dabeecadihiisa, sida ay uga go'an tahay inuu kooxda ku soo biro, Shariff wax weliba oo looga baahnaa ciyaartooy waa u leeyahay, gaar ahanna xirfadda ay kooxdan Liverppool u baahnayd waa uu leeyahay."" Shariif waxaa marar badan loo xilsaaray inuu Kooxda dhalinyarada ee Liverpool uu uga ciyaaro difaaca dambe iyo dhanka midig, balse Cabdi wuxuu aaminsan yahay mustaqbalkiisa fog inuu ka ciyaaro khadka dhexe. ""Marki hore khadka dhexe inaan ka ciyaaro ayaan ciyaaraha laakin marki dambe waa la iga wareejiyey"" ayuu yiri ""Khadka dhexe inaan ka ciyaaro ayaan anigu jecelahay waa haddii ay kooxda ku qanacdo sida aan u ciyaaro. Aniguse mar weliba diyaar Ayaan u ahay inaan khadka dhexe ka ciyaaro"" ayuuna sii raaciyey. ""Marka aad carruur tahay iyo marka aad soo weynaatidba waxa aad marwalba ku taameysid waxaa weeyey inaad kooxda Liverpool oo aad ka baxdidi kooxda dhlinyarada. Waana waxa ugu wanaagsan ee aan ku taamayo"" ayuu shariif hadalkiisa ku soo afmeeray." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-48787962 +politics Waa kuwee labada nin ee isugu soo haray tartanka Ra'iisalwasaaraha UK? Wareegii 5-aad ee tartanka lagu soo xulayo hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka ee dalka Britain isla markaana noqonaya Ra'isalwasaaraha xilka kala wareegaya Theresa May ayna u codeynayeen xubnaha xisbigaas ayaa ku soo gabagabowday aqalka Baaralamka UK ee Westminster, iyadoo xoghayaha deegaanka Micheal Gove uu ku haray wareegaas. 313 xildhibaan ayaa codeynta ka qayb qaatay, waxaana tartamayey saddex xubnood oo laba ka mid ah wasiirro ka yihiin xukuumadda Mrs May. Codeyntii caawa ayaa xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Boris Johnson wuxuu helay 160 cod, xoghayaha arrimaha dibadda Jeremy Hunti ayaa helay 77 cod halka Michael Gove oo ah xoghayaha Deegaanka uu isagu helay 75 cod sidaana uu uga ka haray inuu u gudbo wajiga ugu dambeeya codeynta oo ay ka qayb qaadan doonnaan 160-ka kun ee xubnaha xisbiga Conservative-ka ee UK oo dhan ku kala sugan. Codeynta oo dhanka Boostada lagu dhiibanayo ayaa bilaaban doonta todobaadka dambe waxaana qofka ugu codka badan lagu dhawaaqi doonaa 22-ka bisha Luulyo ee socota, markaas oo si rasmi ah loo shaacin doono qofka noqonaya hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka ee noqonaya Ra'isalwasaaraha Britain. Labada nin ee isku soo haray ayaa siyaasad ahaan ku kala aragti duwanaa aftidii UK kaga baxaysay Midowga Yurub, Boris Johnson wuxuu ka mid ahaa xubnaha aadka ugu ololleeyey in UK ka baxdo Midowga Yurub halka Jeremy Hunt uu ahaa siyaasiyiinta doonaysey in UK aanay ka bixin Yurub. Dooddii ay BBC-du u qabatay xubnihii ku loollamayey doorashadan ayaa Boris Johnson wuxuu ku adkeystay in UK isaga baxayso Midowga Yurub waqtiga loo cayimay ee ah 31-ka October 2019, halka Jeremy Hunt uu isaguna aaminsan yahay in dib loo dhigi karo ka bixitaanka, waana taas midda xiisaha u yeelaysa tartanka labada nin dhexmari doona. https://www.bbc.com/somali/war-48708803 +religion Shaheen Bagh: Ayeeyada u doodeysay muslimiinta ee lagu soo daray liiska lama filaanka ah "Haweeney 82 jir ah oo u dhalatay dalka Hindiya - oo wajigeeda uu ka dhex muuqday mudaharaadyo muddo dheer ka socday Hindiya - ayaa lagu soo daray liiska Majalladda Time ee lagu xuso 100-ka ""qof ee ugu saameynta badnaa 2020-ka"". Bilkis waxay ka mid ahayd koox haween ah oo si nabad ah uga mudaharaaday sharciga muranka dhaliyay ee Dhalashada. Ra'iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, iyo Atooraha shirkadda filimada Bollywood-ka, Ayushmann Khurana, ayaa sidoo kale kasoo muuqday liiskaas. Liiska sannadlaha ah waxaxaa lagu soo koobaa ganacsato, hoggaamiyeyaal iyo dad hormuud ah oo ku kala nool daafaha caalamka, kuwaasoo sameeyay saameyn muuqata. Taariikh nololeedka Bilkis, oo Hindiya looga yaqaanno 'Didi' (Ayeeyo oo luqadda Hindiga ah), waxaa qoray haweeneyda wariyaha reer Hindiya ee lagu magacaabo Rana Ayyub, waxayna ku qeexday inay ""cod u tahay dadka la qadiyay"". ""Bilkis waxay rajo iyo awood siisay dadka xuquuqda rayidka u dooda iyo hoggaamiyeyaasha ardayda, kuwaasoo dhammaantood xabsiga loo taxaabay markii ay ka falceliyeen xad-gudubka dimuqraaddiyadda. Waxay sidoo kale dhiirrigalisay dadka u mudaharaadaya sida nabadda ah,"" ayey qoraalkeeda ku tidhi Ms Ayyub. Wax yar kaddib markii lagu dhawaaqay in Bilkis magaceeda uu ku jiro liiska dadka ugu saameynta badan, waxaa Twitter-ka ka billowday ol'ole loogu dabaaldagayo iyada iyo deegaankii ay ku mudaharaadeysay. Dad aad u badan ayaa ugu hambalyeeyay guusha usoo hoyatay. Jilaaga Bollywood-ka, Onir, oo Twitterkiisa ku xusay, ayaa ku tilmaamay inay tahay ""geesinnimo, dhiirrigalin iyo cod kasoo jeeda deegaanka Shaheen Bagh"". Qareenka lagu magacaabo Karuna Nundy ayaa isagana Twitter-ka kusoo qoray in dooddii ay Bilkis ka qabtay sharciga lagu soo daray dastuurka ay ahay mid ka mid ah kuwii ugu dhiirrigalinta badnaa sannadkan. Shaheen Bagh, oo ah deegaan ay muslimiinta u badan yihiin - muddo dheerna uu ka socday mudaharaadka nabadeysan ee ka dhanka ahaa sharciga dhalashada ee muranka dhaliyay - ayaa soo jiitay taageerada dad badan oo reer Hindiya ah. Dumar Muslimiin ah ayaa kusoo baxay tirooyin aad u badan, waxayna u mudaharaadayeen si nabadgalyo ah, inkastoo dad kale oo kasoo kala jeeda qeybo ka mid ah waddanka ay garab taagnaayeen. Haweenkan waxay isu aqriyaneen qodobbada dastuurka qaranka, iyagoo sameynayay hadallo ay ku xaqiijinayaan sida ay dhalashada u mudan yihiin, waxayna sidoo kale qaadayeen heeso waddani ah. Qaar badan oo ka mid ah shacabka Hindiya iyo dadka dunida qeybaheeda kala duwan ayaa haweenkan mudaharaadayay ku ammaanay dulqaadka ay sameeyeen, waxayna uga mahadceliyeen tallaabadaas dhiirrigalinta ah. Dacwado badan oo ay diyaariyeen xisbiyada siyaasadda ayaa loo gudbiyay maxkamadda, muslimiinta iyo ururrada bulshada rayidka ahna waxay ku doodayaan in sharciga cusub ee dhalashada uu yahay mid dastuurka baal marsan, maadaama uu tixgalinayo diimo gaar ah oo kaliya. Mudaharaadka waxaa aad loogu dhaleeceeyay qalalaase, wuxuuna bartilmaameed u noqday ol'olihii doorashada ee uu sameynayay xisbiga talada haya ee BJP. Xisbiga dowladda maamula ayaa dadka dibadbaxayay ku eedeeyay inay sameeyeen khiyaano qaran, maadaama ay kasoo hor jeesteen sharcigan, oo magangalyo iyo dhalasho siinaya dadka aan muslimiinta ahayd ee kasoo qaxa dalalka Hindiya dariska la ah ee ay u badan yihiin Muslimiinta." https://www.bbc.com/somali/war-54285729 +politics Waa kuma Amiirka Dubai xukuma ee lagu eedeeyay inuu gabdhihiisa afduubtay? "Sheekh Maxamed bin Rashid Al Maktoum waa bilyaneer 70 jir ah oo xukuma Dubai, waana madaxweyne ku xigeenka waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta. Gobolka Bariga dhexe wuxuu kasoo caan baxay kaddib markii uu hormuud u noqday isbaddalkii dhinaca dhaqaalaha ee Imaaraadka, uuna goob joog u ahaa kobaca ganacsiga iyo dalxiiska. Meelo kalena dabcan waxaa magaciisa looga yaqannaa tartamada fardaha, maadaama uu leeyahay kooxda tarmada noocaas ah ku xeel dheer ee lagu magacaabo (Godolphin). Hadda wuxuu mar kale hadal heynta warbaahinta caalamka qabsaday kaddib markii ay maxkamad sare oo fadhigeedu yahay magaalada London ku heshay dambi ah inuu afduubtay labo gabdhood oo uu isagu dhalay, uuna si khasab ah ugu celiyay magaalada Dubai, sidoo kalena uu handadaado badan u jeediyay xaaskiisii hore, Princess Haya bint Xuseyn. Sheekh Maxamed wuxuu sanadkii 1949-kii ku dhashay guriga qoyskiisa oo ku yaalla xaafadda Shindagha, oo u dhow biyo-mareenka Dubai. Wuxuuahaa cuniggii saddexaad ee afar wiil oo uu dhalay Sheekh Rashid Al Maktoum. Aabihiis wuxuu Dubai xukumayay muddo 32 sano ah oo kasoo billaabatay sanadkii 1958-kii. Kaddib markii uu dhammeeyay dugsiga sare, sanadkii 1965-kii, Sheekh Maxamed wuxuu tagay UK si uu luuqadda Ingiriiska uga barto iskuul ku yaalla Cambridge. Wuxuu markii dambe qaatay lix bilood oo tababar ciidan ah. Sanadkii 1968-kii, markii uu kusoo laabtay Dubai, Sheekh Maxamed wuxuu aabihiis ku wehliyay shir uu la yeeshay amiirkii xukumayay Abu Dhabi, Sheikh Zayed Al Nahyan, halkaasoo ay ku gaareen heshiis federaal ah oo maamulladooda la isugu xiriirinayo. Kaddib markii uu Isu Tagga Imaaraadka Carabta xorriyaddiisa ka qaatay UK sanadkii 1971-kii, Sheekh Maxamed waxaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga - xilkaas oo uu ilaa hadda sidii u hayo. Sheekh Maxamed wuxuu sidoo kale kaalin weyn ka qaatay qorshihii aabihiis uu ku hormariyay wax soo saarka saliidda iyo xoojinta dhaqaalaha, kaasoo Dubai ka dhigay meel xuddun u ah ganacsiga adduunka, ayna kusoo hirtaan dalxiiseyaasha. Maanta, in ka badan 95% ka mid ah dhaqaalaha usoo xarooda Imaaraadka Carabta waa mid ka madax bannaan ganacsiga saliidda, dalxiiska oo kaliya ayaana ah 20%. Dadka ku nool Dubai ayaa sidoo kale kordhay. Sanadkii 1960-kii dadweynaha Dubai waxay ahaayeen qiyaastii 40,000 oo ruux, halka ay hadda ka yihiin ilaa 3.3 malyan oo qof, kuwaasoo ku dhawaad 3.1 malyan oo ka mid ah aysan u dhalanin Imaaraadka. Badankood dadkan waxay daggan yihiin boqollaalka dabaq ee dhaadheer ee ku yaalla magaalada Dubai. Sanadkii 1990-kii, Sheekh Rashid ayaa geeriyooday kaddib markii uu muddo dheer xanuunsanaa. Waxaa xilka la wareegay Maxamed walaalkiis ka weyn oo lagu magacaabi jiray Maktoum. Shan sano kaddib, Sheekh Maktoum wuxuu walaalkiis Maxamed u magacaabay dhaxal sugaha xukunka boqortooyada ee Dubai. Wuxuu sidoo kale u dhiibay maamulka maalinlaha ah ee Imaaraadka. Sheekh Maxamed wuxuu maamulaha Dubai iyo madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka noqday sanadkii 2006-dii, kaddib markii uu geeriyooday walaalkiis oo 62 jir ahaa, xilli uu booqasho ku joogay waddanka Australia. Intii uu xukunka hayay, horumarkii Dubai ayaa sii xoogeystay. Sanadkii 2008-dii, Imaaraadka wuxuu shaaca ka qaaday dhismaha dabaqa ugu dheer caalamka, oo lagu magacaabo Burj Khalifa; kaasoo ah suuq laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Dubai. Mashaariicda noocaas ah waxaa lagu hirgaliyay lacago deymo ah oo gaaraya balaayiin doolar. Xasaradihii dhinaca dhaqaalaha ee caalamka ka dhacay sanadkii 2009-kii ayaa burburiyay kobaca dhaqaalaha Dubai iyo dhismaha guryaha, waxaana albaabada la isugu wada dhuftay dhammaan hay'adihii dowladda, maadaama ay iska bixin waayeen deymihii lagu lahaa. Hase yeeshee waxaa xaaladda soo fara galisay Boqortooyada Abu Dhabi, waxayna Dubai deymisay dhammaan lacagihii ay u baahneyd. Dhismaha Dubai wuxuu sidoo kale ku tiirsanaa shaqaalaha qaxootiga ah ee lacagta yar ku shaqeeya, kuwaasoo cabasho badan muujin jiray. Sheekh Maxamed wuxuu sidoo kale aad ugu soo caan baxay ka qeyb qaadashada tartanka fardaha, waxaana lagu amaanaa inuu ka dhigay il dhaqaale oo caalami ah. Markii uu yaraa ayuu fardo ku wadi jiray xeebta magaalada Dubai, fagaareyaashana waxaa la keenay sanadkii 1967-kii, xilligaasoo uu ku sugnaa UK. Toban sano kaddib, wuxuu ku istareexayay guushiisii ugu horreysay ee u soo hoyatay kooxda uu abuurtay. Sheekha wuxuu dhisay kooxda ugu weyn adduunka ee ka qeyb gasha tartamada fardaha, taasoo lagu magacaabo Godolphin. Wuxuu si joogto ah u tagaa tartamada waaweyn ee fardaha, sida Royal Ascot, halkaasoo mar la isla sawiray isaga iyo boqoradda Ingiriiska Elizabeth II. Sheekh Maxamed wuxuu jacaylkiisa fardaha la wadaagay xaaskiisa lixaad, Princess Haya bint al-Xuseyn, oo ah gabadha uu dhalay boqorkii geeriyooday ee dalka Urdun, islamarkaana ah Boqor Cabdalla walaashiis. Lamaanaha waxay is waxay magaalada Camaan ee waddanka Urdun isku guursadeed sanadkii 2004-tii, waxayna isu dhaleen labo carruur ah oo la kala yiraahdo Al Jalila iyo Zayed. Balse xiriirkooda qoys ahaaneed oo markii hore aad u wacnaa wuxuu mugdi soo galay sanadkii 2018-kii, markaasoo ay Sheikha Latifa, oo ah gabar ay xaas kale u dhashay Sheekh Maxamed isku dayday inay ka baxsato imaaraadka, iyadoo garab ka heleysa jaajuus Faransiis ah iyo macallin dhinaca jimicsiga ah oo u dhashay Finland.. Doon ay saarnaayeen ayaa lagu qabtay meel u dhow xeebta Hindiya, dib ayaana loogu celiyay Dubai. Muuqaal ay iska duubtay inta aan gacanta lagu dhigin ayey ku sheegtay inay xabsi ku jirtay muddo saddex sano ka badan, loona geystay tacaddiyo dhinaca jirka ah, kaddib markii ay ku guul darreysatay isku day baxsasho ah oo ay sameysay sanadkii 2002-dii. Dadka u dooda Sheekha Latifa ayaa sheegay in lagu hayay xabsi guri. Laakiin Dowladda Dubai ayaa ku adkeysatay in Sheekha Latifa ay kahar ugu jirtay in la waxyeelleeyo, laakiin markii dmabe amnigeeda dib loo sugay. Princess Haya waxay iska aqbashay bayaankii xilligaas kasoo baxay dowladda. Laakiin bishii April, 2019-kii, kaddib markii ay Dubai ka baxsatay, iyadoo Jarmalka kaddib UK usii gudubtay, carruurteedana ay la socdeen, waxaa soo baxay warar sheegaya inay heshay xog cusub oo ku saabsan Sheekha Latifa. Sheekh Maxamed kama uusan hadli burburka ku yimid guurkiisa, balse wuxuu qoray gabay caro ka muuqato oo uu ku waday haweeney uusan magacaabin, taasoo uu ku tilmaamay ""Mid khiyaano sameysay"". Wuxuu gabagiisa ku shaaciyay bartiisa Instagram-ka. Bishii July ee sanadkii hore, Princess Haya waxay maxkamad UK ku taalla ka dalbatay in si khasab ah looga furo seygeeda, Ilmahana loogu sharciyeeyo inay iyada kaliya la noolaadaan. Dhanka kalena, Sheekh Maxamed ayaa maxkamad ku taalla Dubai ka diiwaan galisay dacwad uu ku doonayo in carruurta dib loogu soo celiyo. Siddeed bilood kaddib, maxkamadda sare ee fadhigeedu yahay London waxay soo saartay xukunno isdaba joog ah oo xaqiiqo raadin ah. Waxay maxkamaddu ugu dambeyn soo saartay hadal ay ku sheegtay in Sheekh Maxamed uu gabadhiisa Latifa labo jeer si khasab ah ugu celiyay Dubai, sanadihii 2002-dii iyo 2018-kii, sidoo kalena uu afduub aan sharciga waafqsaneyn u geystay walaasheed Sheekha Shamsa, sanadkii 2000. Sheekha Shamsa waxay sanadkii 2000 ka baxsatay guri ay qoyskeeda ku leeyihiin UK laakiin waxaa magaalada Cambridgeshire durba qabtay wakiillo ay soo dirsatay Dowladda Dubai. Codsi ay booliska Cambridgeshire ku dalbadeen inay tagaan Dubai, si ay baaritaan usoo sameeyaan, ayaa lagu gacan seyray. Makxmadda London ayaa sheegtay in Sheekh Maxamed uu wali wado fal uu labada gabdhood uga hor taagan yahay xorriyaddooda." https://www.bbc.com/somali/war-51769835 +politics Taliyihii ciidanka cirka Pakistan oo fashilay xogta ku saabsan weerarkii ay Hindiya ku qaadi rabeen "Taliyihii hore ee ciidamada cirka ee waddanka Pakistan, Muhammad Anwar Shamim, oo hadda howlgab ah, ayaa shaaca ka qaaday faahfaahinta ku saabsan qorsheyaashii militeriga Pakistan ay ku damacsanaayeen inay weeraraan Hindiya. Janaraal Shamim ayaa sheegay in sanadkii 1984-kii ay taliska militeriga Pakistan damceen in ay weerar la beegsadaan xarunta cilmi baarista atomic-ga Hindiya ee Bhabha, oo ku taalla tuulada Trombay. Sababta qorshahaas uu ku yimid ayaa ahayd in xilligaas ay militeriga Pakistan ka cabsanayeen in diyaaradaha dagaalka ee Hindiya ay duqeeyaan shaybaarka Pakistan ee lagu farsamaynayay nuclear-ka, oo ku yaalla magaalada Kahuta. Waxaa jiray dad kooban oo markaas si dhab ah u fahansanaa xogta rasmiga ah ee ku saabsanayd howlgalkaas militeri. Taliyihii hore ee ciidanka cirka Pakistan, oo khudbad jeediyay 16-kii bishii December ee sanadkii 1985-kii, ayaa sheegay in xilligaas ay Pakistan ku tashanaysay inay hubka nukliyeer-ka booskiisa adeegsadaan diyaaradaha dagaalka ee noocoodu yahay F-16. Pakistan markaas sannado badan ayaa uga dhimmanaa in ay yeelato awoodda hubka sida ba'an wax u gumaada ee nukliyeerka. 28-kii bishii May ee sanadkii 1998-kii ayay ahayd markii ugu horraysay ee ay Pakistan ku dhawaaqday inay ku hubaysan tahay nukliyeer, inkastoo cadaawadda kala dhaxeysay Hindiya ay soo jirtay waqti aad uga horreeyay xilligaas. Waxaa wali taliyeyaasha ciidanka qalabka sida iyo saraakiisha wasaaradda gaashaandhigga ee Pakistan dhagahooda kasii guuxayay guul darradii ay kala kulmeen Hindiya oo uu dagaal hore dhex maray. Sanadkii 1978-kii, madaxweynihii Pakistan ee waqtigaas, Janaraal Zia-ul-Haq, ayaa amar ku siiyay taliskiisa militeriga in ay darajada u kordhiyaan taliyaha ciidanka cirkana ka dhigaan Anwar Shamim. Xilkaas waxa uu hayay ilaa laga gaaray sanadkii 1985-kii. Anwar Shamim shaqadiisa ma aysan ahayn oo keliya in uu diyaaradaha F-16-ka kusoo kordhiyo awoodda ciidamada cirka ee Pakistan, waxa uuse sidoo kale xaqiijiyay in diyaaradahaas ay howlgalladooda si rasmi ah u billaabaan sanadkii 1983-kii. Ilaa laga gaaray markii uu howlgabka noqday, waxa uu la-taliye khaas ah u ahaa janaraal Zia-ul-Haq oo uu ka caawin jiray xogaha ku saabsan arrimaha militeriga iyo amniga. Sidaas awgeed, islamarkii uu shaqada joojiyay sanadkii 1985-kii, waxa uu jeediyay khudbad uu ku fashilay macluumaadkii ku saabsanaa qorsheyaasha weerarrada. Hal sano kaddib markii ay Pakistan xaqiijisay inay haysato hubka nukliyeerka, waxaa qarxay dagaalkii ay la gashay Hindiya ee la magac baxay Kargil, oo dhacay sanadkii 1999-kii. Dadka qaar ayaa xitaa is weydiinaya su'aal ku saabsan in Hindiya iyo Israa'iil ay rabeen inay burburiyaan hubka nuclear-ka ee ay heysato Pakistan. Horay waxaa usii jirtay sheekada ku saabsan in diyaarad dagaal oo ay Israa'iil leedahay ay burburisay warshaddii nuclear-ka ee dalka Ciraaq. Afartan sano ka hor ayuu dhacay howlgalkaas oo ay Israa'iil ku magacowday ""Operation Opera"", waxaana loo adeegsaday diyaaradda militariga ee loo yaqaanno F-16. Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa soo tabiyay in Israa'iil ay sheegtay in ""haddii aysan weerarkaas fulin lahayd ay Ciraaq awood u yeelan lahayd hubka nuclear-ka""." https://www.bbc.com/somali/articles/cv2rd8jxj94o +entertainment Mithun oo istaagga ka dhacay isagoo jilaya filim ku saabsan Kashmiir "Jilaaga rugcaddaaga ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Mithun Chakraborty, ayaa raashin ku sumoobay xilli laga duubayay filim ku saabsan Kashmiir. Jilkii filimka ayaa dib loo dhigay hal maalin maada atooraha uu sii wadi waayay duubista. Arrintan ayaa timid kaddib markii sida ay wararku sheegayaan uu Mithum ku xanuunsaday cunto calooshiisa caabuq ku sameysay, taasoo horseedday in uu shaqadii duubista wadi waayo isagoo xitaa damacsanaa in uusan joojinin. Vivek Agnihotri, oo hagayay filimka Mithun, soo saarena ka ah, ayaa sheegay in hadda dib loo billaabay duubista oo ka socota deegaanka Mussoorie. ""Waxaan duubeynay qeyb weyn oo aad muhiim uga ah filimka. Wax walba waxay ku xirnaayeen jilka uu qaabilsanaa Mithun Chakraborty, laakiin si lama filaan ah ayuu mar qura u xanuunsaday, isagoo ka cabanayay dhibaato dhinaca caloosha ah oo aad u xumeyd,"" ayuu yidhi Vivek. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: ""Ma jiro qof caadi ah oo shaqo kusii wadi kara xaaladdaas, laakiin wuu baxay muddo gaaban kaddibna wuxuu u soo laabtay si uu u dhammeystiro wax kasta oo looga baahnaa jilka. Markii hore xaaladdu aad bay u adkeyd, aad baan ula yaabay in qof sidaas u xanuunsaday uu howsha sii dhammeystiro, laakiin way noo suuragashay."" ""Taasi waa sababta uu Mithun ku noqday xiddigga uu maanta yahay. Wuxuu ii sheegay in waligiis uusan sidaasoo kale u xanuunsanin muddo sannado badan ah. Mar walba wuxuu i weydiinayay ' duubitaankiinna hakad ma gali doono sooma aha?', runtii aad iyo aad baan ula fajacay arrintaas, sababtoo ah ma arkin qof kale oo jiilka maanta jooga ah oo sidaas ay shaqadiisa uga go'an tahay."" Filimka uu Mithum sameynayo ee Kashmiir wuxuu ku saabsan yahay sheekada wadaaddadii Hinduuga ee guryahooda gobolka Kashmiir ka barakacay sanadihii 1989-kii iyo 1990-kii. Jilayaasha caanka ah ee filimkaas ku jira waxaa ka mid ah Anupam Kher, oo Soomaalidu ay u taqaanno Aw Baska. Inkastoo filimka Kashmiir markii hore loo qorsheeyay inuu soo baxo maalinta xorriyadda Hindiya, oo ku beegneyd 15-kii bishii August, waxaa dib loogu dhigay saameynta cudurka Covid-19 awgiis, waxaana la filayaa in uu soo baxo sanadka soo socda ee 2021-ka." https://www.bbc.com/somali/war-55397700 +entertainment Bollywood: Filimkii sababay in 'Mujaahidiinta Afghanistan' ay joojiyaan dagaalka "Waa qiso dhacday 1990-meeyadii, xilli ay ciidamadii Midowgii Soviet dalka Afghanistan kula dagaallamayeen xoogaggii ""mujaahidiinta"". Iyadoo xaaladdaas lagu jiro, gabdh uu dhashay Madaxweynihii Afghanistan ee waqtigaas, Maxamed Najibullah, ayaa aabeheed ka codsatay in uu ku dhawaaqo xabad joojin hal maalin ah oo uu la galo Mujaahidiinta. Gabadhu waxa ay doonaysay in dagaalka la joojiyo marka uu xiddig ka mid ah atooreyaashii filimada Hindiga imaado Afghanistan, si uu magaalada Kabul ugu wareego xornimo inta uu filimkiisa duubayo, dadkuna ay u daawadaan si nabad ah. Xiddigaas macagiisu waa Amitabh Bachchan oo ay Soomaalidu u garan og yihiin ""Cali Dheere"", waxa uuna markaas jilayay filimkiisa lagu magacaabo 'Khuda Gawah'. Filimkaas oo aad u xiiso badnaa waxaa shaashadaha laga sii daayay 8-dii bishii May ee sanadkii 1992-kii, kaddib markii qaybo ka mid ah lagu duubay magaalooyinka Kabul iyo Mazar-e-Sharif. Sheekadan waxaa wariye ka tirsan BBC-da la wadaagay danjire hore. Sida ay dad badan aaminsan yihiin, filimka 'Khuda Gawah' oo soo baxay 30 sano ka hor waa midka ugu caansan filimada Hindiga ah ee laga daawaday Afghanistan, waxa uuna leeyahay qiso aad u xiiso badan. Filim sameeyaha lagu magacaabo Manoj Desai ayaa u sheegay BBC-da in xilligaas uu dagaal sokeeye ka socday Afghanistan. Si loo ilaaliyo amniga jilayaasha iyo shaqaalaha duubaya filimka, kolonyo shan taangi ah ayaa laga hor mariyay shan taangi oo kalena dhinaca dambe ayay ka socdeen. Balse maadaama uu Amitabh Bachchan si wayn caan uga ahaa Afghanistan lama dareemin howsha intaas la eg ee amniga lagu sugayay, dadkuna way kusoo xoomeen goobta. ""Intii ay duubistu socotay ayuu mar farriin noo soo diray hoggaamiyihii mucaaradka ee xilligaas, Burhanuddin Rabbani, isagoo sheegay inuu taageero wayn u yahay Amitabh Bachchan, inta filimka la samaynayana aysan kooxaha dagaallamayay wax khatar ah ku ahaan doonin. Waxay sidoo kale u imaadeen si ay ubaxyo u siiyaan,"" ayuu yidhi filim sameeyaha wareysiga siiyay BBC-da. Markii si kale loo dhigo hadalka, dalkaas ay dagaallada sokeeye halakeeyeen gudihiisa, sida muuqatay waxay dhammaan dhinacyada dowladda, mujaahidiinta iyo kooxaha kaleba u midoobeen hal atoore oo hindi ah dartiis. Xilligaas wuxuu ahaa mar ay xitaa saaxiibbo dhow ahaayeen Amitabh Bachchan iyo Ra'iisul Wasaarihii dalka Hindiya, Rajiv Gandhi. Manoj Desai ayaa sheegay in Rajiv Gandhi dartiis ay dowladdii Najibullah si taxaddar leh u ilaalisay jilayaashii filimka iyo shaqaalihii la socdayba. Rajiv Gandhi waxaa la dilay sanadkii 1991-kii, filimkana waxaa la sii daayay 1992-kii. Qoraaga lagu magacaabo Rasheed Qadwai ayaa buuggiisa filimada Bollywood-ka ku qoray in xaflad aad u wayn filimka Khuda Gawah loogu sameeyay magaalada Delhi, si loogu daah furo. Amitabh Bachchan ayaa xafladdaas dhexdeeda ku ooyay isagoo xasuusanaya saaxiibkiis Rajiv Gandhi. Rajiv Gandhi ayaa si shakhsi ah uga codsaday Madaxweynihii Afghanistan in uu sugo amniga jilayaasha filimkaas, si loogu guulaysto in nabad ay kusoo laabtaan howl wadeennada. Amitabh Bachchan oo dib u milicsanaya xasuustiisii Afghanistan ayaa qoray, ""Madaxweyne Najibullah waxa uu ahaa taageere wayn oo jecel filimada Hindiga ah. Waxa ay rabeen inay ila kulmaan, waxaana naloo qaabilsay sida boqortooyo. ""Nalooma oggolaanin inaan hoteellada seexanno. Hal qoys ayaa gurigooda nooga guuray si aan u dagno, waxayna u guureen guri kale oo yar. Shaqaalaheennii filimka waxaa martiqaaday hoggaamiye dhaqameed. ""Waxaan Danny isla raacnay helicopter, iyadoo shan helicopter oo kale ay naga socdeen horay iyo gadaal. Muuqaalka buuraha aan dusha sare ka arkaynay waxa uu ahaa mid cajiib ah. ""Markii aan halkaas gaarnay, hoggaamiye beeleedkii ayaa hab nasiiyay, gudaha ayuuna noo kaxeeyay, maadaama uu dhaqanku ahaa in martida aysan cagahooda dhulka dhigin. Hadiyado badan ayaan ku helnay Kabul ... habeenkaas, Madaxweynaha Afghanistan abtigiis ayaa noo qaaday hees.""" https://www.bbc.com/somali/war-61440159 +politics "Hillary Clinton oo ka digtay ""cawaaqib ka dhalan karan"" ka bixidda Afghanistan" "Wasiirkii hore ee arimaha dibada Maraykanka, Hillary Clinton, ayaa ka digtay ""cawaaqib ballaadhan"" oo ka dhalan doona go'aanka Madaxweyne Joe Biden ee soo saaridda ciidamada Maraykanka ee Afghanistan. Clinton ayaa telefishanka CNN u sheegtay in ay jirto khatar ah in ay Taliban markale xukunka dalkaa qabsan karto. Maraykanka ayaa doonaya inuu dhamaystiro ka bixitaanka ciidamadiisa 11 Sebtember. Hase yeeshee Taliban ka ayaa weeraro ka fuliya dalkaas. ""Arintani waa waxa aan ku sheegayno dhibaato xun"" ayay tidhi Clinton oo CNN la hadlaysay ""waxa jira cawaaqib la saadaalin karo iyo kuwo aan muuqan oo ka dhalanaya ka bixitaanka"" ayay intaa ku dartay. Hilary Clinton, sida Biden oo isna ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayay aad u taageersanayd duulaankii Maraykanku ku galay Afghanistan weerarradii 9/11 ee 2001 ka dib. Maxay Afrika ugu taageertay Shiinaha ""xasuuqa Muslimiinta"" lagu hayo? Argagax ka dhashay labadii Imaam ee uu walaalkood dilay Taraawiixda ka dib Biden ayaa doonaya inuu dhamaystiro ka bixitaanka ciidamadaas marka ay buuxsanto 20 guurada weerarkaas sannadkan dabayaaqadiisa. Ugu yaraan 2500 oo askari oo Maraykan ah ayaa haatan jooga dalkaas oo qayb ka ah xoogagga NATO ee Afghanistan jooga. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ka bixitaanka Maraykanku yahay mid haboon maadaama oo ciidamada Maraykanku ay xaqiijiyeen in dalkaasi aanu haatan saldhig u ahayn jihaadiyiinta shisheeye oo aanay weerarro reer Galbeedka lagu qaado ka soo maleegi karin. Mar la weydiiyey go'aanka madaxweynaha, ayaa iyada oo lagu waraysanayo barnaamij ka baxa CNN waxay Clinton ku jawaabtay ""xukuumadeenu waa in ay ka fikirtaa cawaaqibka ballaadhan ee arintaa ka dhalanaya"" ee ay ugu mudan tahay in ay soo noqdaan dhaqdhaqaaqyadii kooxaha xag jirka ahi taasnina keento in qaxooti badani ka soo dareeraan Afghanistan. Waxa kale oo ay sheegtay in ay suurto gal tahay in dawladda Afghanistan dunto maadaama oo ay dhici karto in Taliban xukunka qabsadaan oo dagaal sokeeye oo cusubi bilaabmo. Clinton waxay sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo ""kumanaanka qof ee Afghanistan-yiinta ah"" ee u shaqaynayey Maraykanka iyo NATO intii colaaddaasi socotay, waxaanay tidhi waa in qorshe fiiseyaal badan loogu soo saarayo la diyaariyaa si loo siiyo qof kasta oo soo qaxa. Askarta ugu dambaysa ee Maraykanku waxa si rasmi ah bixitaankoodu u bilaabmay 1May, iyada oo uu jiro qalalaase isa soo tarayaa. Ciidamada nabadgelyada Afghanistan ayaa heegan la geliyey si ay uga falceliyaan wixii weerarro ah ee la soo qaado. Isniintii ayaa saraakiil Afghanistaniyiin ahi sheegeen in ugu yaraan todoba askari lagu dilay weerar ay Taliban ku qaadeen rug milatari oo ku taal koonfur galbeed ee gobolka Farah. Waxay sheegeen in dad miidaame ahi isku qarxiyeen rugtaas oo ay ka soo galeen god dhulka hoostiisa mara oo ilaa 400 mitir ah oo laga soo qoday guri u dhaw rugtaas. Askarta midkooda ayaa ay dableyadaasi qabteen sida ay sheegteen. Hase yeeshee warar kale oo soo baxayaa waxay tirada khsaaraha ciidamada Afghanistan gaadhay ka dhigayaan tiro intaa ka badan. Isaga oo shir jaraa'id ku qabtay London Isniintii, ayaa wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, Antony Blinken, sheegay in maamulka Biden ""uu aad ugu miigan yahay in si haboon, nabad ah oo nidaamsan"" ay uga baxaan ciidamadoodu dalkaas, laakiin Maraykanku uu sii wadi doono inuu taakuleeyo xukuumadda Afghanistan. ""Xataa iyada oo ay ciidamadayadu ka baxayaan Afghanistan, ayaanaan joojinayn xidhiidhka aanu la leenahay oo aanaan gacanta ka laabanayn"" ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in hadii ciidamada Maraykanka weerarro lagu qaado inta aanay dalkaa ka bixin ""tallaabo culus"" ay qaadi doonaan. Markii uu madaxweyne ku xigeenka u ahaa Barack Obama, Biden wuxuu aad uga soo horjeeday ciidamada badan ee Afghanistan ka jooga. Wuxu sheegay in Maraykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada dawladda Afghnistan oo uu ku dhiiri gelinayo wadahadallo nabadeedoo lala yeesho hogaamiyeyaasha fallaagada Taliban. Hase ahaatee warfidiyeenku waxay sheegayaan in aanay intaasi noqon kari doonin wax xaqiijiya xasiloonida gobolka. Madaxweyne Farmaajo ma wuxuu haystaa dhalashada dal kale? Sheyga uu qof walba u baahan yahay ee sii dhimanaya Sannadkii hore ayaa madaxweynihii markaa xilka hayey, Donald Trump, oo horseed ka ahaa in ciidamada Maraykanku ku soo noqdaan dalku dhaliilay farogelinta Maraykanka ee dalalka dibadda waxaanu sheegay in kharash badani kaga baxo oo aanay waxtarna lahayn. Waxaanay arintaasi keentay in ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ee Afghanistan dardar ay ku bilaabanto 1 May ee sannadkan. Maraykanku waxuu bilaabay ka bixitaanka ciidamadiisa ka dib markii ay Taliban ballan qaaday in ay joojinayso weerarrada ay ku qaadaan ciidamada caalamiga ah iyo ""goobaha nugul"" waxaanay sheegtay in aanay u ogolaan doonin Al-Qaacida iyo ururada kale ee mitidiinta ah in ay ka hawl galaan dhulka ay xukunto." https://www.bbc.com/somali/56976391 +technology Maxaa ka jira in TikTok xogtaada la wadaagto sirdoonka Shiinaha? Shiinuhu waxaa laga sheegaa qatar amni oo laga badbadiyay taas oo ah dacaayado laga sameeyo shirkadda TikTok ee Shiineyska ah. Hay’adaha dawladda Maraykanka ayaa la amray in dhamaan shaqaalahoodu ay aaladahooda ka tiraan App ka TikTok muddo soddon cisho gudaheed ah, sababo la xiriira cabsi laga qabo amniga internetka. Talaabooyin kuwaas lamid ah ayaa waxaa qaaday dawladdaha Canada iyo Midowga Yurub. Sanadkii 2020 kii shirkadda TikTok waxay ka badbaaday in app kooda suuqa leh laga mamnuuca Maraykanka, waqtigaas oo uu joogay madaxweyne Donald Trump, maalin walba waxay la kulmi jireen su’aalo aad u fara badan oo ku saabsan sida lagu aamini karo app kooda. Waxaa mahad leh doodii si balaaran Meesha uga saartay caqabadihii sharci ee isku qasnaa – taas oo ugu dambeyn dhamaatay sanadkii 2021 kii, markii madaxweyne Joe Biden uu Meesha ka saaray soo jeedintii madaxweyne hore Trump. Hadaba maxay yihiin walwalka amni ee dhinaca internet ka ah eel aga qabo shirkadda TikTok, sideese uga jawaabtay shirkaddu? 1.TikTok waxay aruurisaa caddad aad u tiro badan oo xogo ah. Dadka dhaliila inta badan waxay ku eedeeyaan TikTok in ay aruuriso caddad badan oo ah xogta dadka isticmaala. Warbixin la xriirta amniga internet ka oo la daabacay sanadkii 2022 kii oo ay sameysay shirkadda Cilmibaarayaasha Internet ka ee 2.0 oo fadhigeedu yahay Australia, ayaa inta badan loo soo xigta cadayn ahaan. Cilmibaarayaasha ayaa ogaaday in app ku uu sido “xogo aad u culus”. Falanqeeyayaal ayaa Iyana sheegay in TikTok ay aruursato xogo daqiiq ah oo ku saabsan halka uu joogo qofka isticmaala, aaladda saxda ah ee uu isticmaalayo iyo madalaha kale ee aaladiisa ku jira. Si walba, tijaabo tan lamid ah oo ay sameeyeen hay’adda lagu magacaabo Sheybaarka Muwaadinka, ayaa ku soo gabangabowday: “Marka la barbardhigo baraha kale ee bulshado ku kulanto, TikTok waxay aruuriyaan xogo lamid kuwa ay shirkadahu ku tixraacaan dhaqanka dadka macaamiishooda ah”. Si lamid ah, warbixin ay dhawaan daabaceen Machadka Tiknoolajiyadda ee Georgia bishii January ayay ku sheegeen: “Xaqiiqada ayaa ah in inta badan baraha bulshada iyo madalaha kale ee taleefanada in ay sameeyaan inta TikTok lagu dhaliilo oo kale”. 2.TikTok waxaa isticmaali kara dawladda Shiinaha oo ku basaasi karta macaamiisha. Haweeneyda afhayeenka u ah TikTok ayaa BBC da u sheegtay in Shirkaddu ay si buuxda u madaxbanana tahay aysanna dawladda la wadaagan xog macaamiishoodu leedahay, waliba hadii la waydiisto xataa aysan la wadaagi lahayn. Inkasta oo ay halis ku tahay xogta gaarka ah ee qofka, inta badan dadka ayaa aqbala in ay gacan galiyaan xogohooda gaarka ah, waana heshiis ay la galaan baraha internet ka. Si aan uga badalano in ay adeegyadooda bilaash nagu siiyaan, waxay aruursadaan xogaheenna taas oo ay u isticmaalaan xayaysiimaha ay ku sameeyaan madalahooda, ama ay uga iibsadaan shirkado kale oo doonaya in ay xayaysiin ku sameeyaan bare kale oo internet. Arrinta inta bada lagu dhaliilo TikTok ayaa ah in ay leedahay Shirkaddda saldhigeedu yahay Beijing ee ByteDance, taas oo wax aan horay loo arag ka dhigaysa in app kaan wayn uusan ahayn mid laga leeyahay Maraykanka. Facebook, Instagram, Snapchat iyo Youtube, dhamaantood caddad ballaaran oo xogaha dadka isticmaala ah ayay aruursadaan, balse iyaga Maraykan ayaa laga leeyahay. 3. TikTok waxaa loo isticmaali karaa qaab “lagu marin-habaabiyo dadka” Bishii Nofeember ee sanadkii 2022 kii, Christopher Wray oo ah agaasimaha FBI da Maraykanka ayaa u sheegay baarlamaanka: “Dawladda Shiinaha waxay kontorooli kartaa nidaamka talo bixinta, kaas oo loo isticmaali karo in saamayn lagu yeesho hawlgaladda.” Walwalkaas waxaa dab ku sii shiday xaqiiqada ah in TikTok ay la mataan tahay app ka, Douyin – oo laga isticmaali karo kaliya gudaha shiinaha – kaas oo si wayn loo faafreebo sida la sheegayna loo qaabeeyay in lagu dhiiri galiyo waxbarashada iyo in muuqaallo caafimaadka u wanaagsan ay caan ka dhex noqdaan. Bilowgii markii uu TikTok dardarta ku qabsaday internet ka, waxaa jiray kiisas aad u sareeya oo la xariiray faafreeb lagu sameynayay app ka: Qof Maraykan jooga oo isticmaalayay TikTok ayaa laga xanibay ciwaankiisii maadaama uu ka dooday sida uu Shiinuhu ula dhaqmo muslimiinta Xinjiang; kadib kacdoon culus oo ka yimid bulshada isticmaasha, TikTok raali galin ayay ka bixisay arintaas, ciwaankiina dib ayay u soo celisay. App kaan ayaa horay looga mamnuucay India, taas oo talaabo ka qaaday app kaan iyo kuwo kale oo laga lahaa shiinaha. Laakiin sidoo kale hadii laga mamnuuci lahaa Maraykanka ayay saameyn aad u xoogan ku yeelan lahayd madashaan, maadaama xulufada Maraykanka ay qaadaan talaabooyin lamid ah kuwa uu go’aansado Maraykanku. https://www.bbc.com/somali/articles/ce57kd2l750o +politics Waa kuma ninka aan aadka loo aqoonin ee ku guuleystay doorashada Tuniisiya? "Madaxweyne cusub ee Tunisia Qeys Saciid waa barafasoor sharciga bartay oo 61 jir, waana madaxweynihi ugu horreyey oo xilka madaxweynanimada ku guuleysta tani iyo marki uu geeriyooday madaxweynihi hore ee dalkaasi Beyji Caa'id Eseybsi 25-kii bishi July. Mr Qeys oo ah madaxweyne madax bannaan oo aan ku tiirsaneen xisbi siyaasadeed wuxuu doorashada ka helay 72.71, cod bixinta doorashada wareeggeeda labaad ee la qabtay 13-ki bisha Oktobar. Wuxuuna si la yaab leh uu uga guuleystay musharrixi la tartamayay Nabiil Qarwiy oo ah hoggaamiyaha xisbiga weyn ee baarlamaanka Tunisia ku leh tirada kuraasta xildhibaannada ugu badan. Taariiqdu markay ahayd 22-kii bishi Fabraayo 1958-kii ayuu Mr Saciid ku dhashay magaalada Bani-khiyaar oo ka tirsan gobolka Nabuul. Wuxuuna Mr Saciid leeyahay seddex carruur ah. Shahaadada Degree koobaad wuxuu ku haystaa sharciga caalamiga ah wuxuuna ka soo baxay kulliyadda sharciga iyo siyaasadda ee jaamacadda Tunis. Shahaadada Diploma wuxuu sida oo kale uu ku haystaa sharciga dastuurka, isaga jaamacadda Tunis ka ahaa barafasoor dhiga culuunta sharciga. Wuxuuna noqday xoghayaha guud ee ururka sharciyada dastuurka ee Tunisa inti u dhaxeysay 1990 ilaa 1995-kii, waxyar kaddibna wuxuu noqday madaxweyne-ku xigeenka ururka. 1990-yadi Mr Saciid wuxuu noqday agaasimaha waaxda cilmiga sharciyada ee jaamacadda Tunisia, isaga oo ka mid noqday khubaro jaamacadda carabta uga shaqeysa machadka xuquuqda aadanaha ee jaamacadda carabta. Mr Siciid ayaa ka mid ahaa guddiga khubarrada arrimaha sharciga ka caawinayey baarlamaanka Tunisia wax ka beddelka dastuurka, sanadkii 2014. Wuxuu mararka qaar ka soo muuqan jiray telefishinnada isagoo siyaasadda ka hadli jiray. Marki ugu horreysayna wuxuu TV uu ka kala hadlay shacabka dalkaasi isaga oo ku hadlayey hadal caadi ah oo la xiriira dastuurka dalkaasi, wixi markaa ka dambeeyeyna ma ahayn mid siyaasadda ka sii muuqda. Mr Saciid oo horay u qoray buugaag badan oo sharciga ku saabsan wuxuu sida oo kale qoray mqaallo ku saabsan sharciga dastuurka, Saciidna waxay shacabka marki ugu horreysay barteen wareegga doorashadi koobaad ee dhacday 15-ka bishi Spetember. Kumana tirsaneen xisbi siyaasadeed aqoon badanna looma lahayn haddana cod bixinta doorashadi koobaad wuxuu helay 18.4% dadki codkooda dhiibtay. Isaga weliba helay codadka ugu badan ee dhalinyarada. Barafasoorkan musharraxa madaxweynaha ahaa ee aan magaciisa aad loo aqoon inta uu ololaha doorashada ku jiray ma noqon mid kulamma ololaha doorashada ku saabsan qabgta, balse wuxuu safar ku tagay 100 magaalo oo dalka Tunisia ku yaalla isaga oo cod bixiyeyaasha fool ka fool ula kulmayey. Mr Saciid xoogag shisheeya ama gacan dibadeed taageero kama haysan, isaga oo sheegay xitaa inuu baasboor uu dalka kaga baxa haysan. Waxaa lagu naaneysaa ""mashiin"", Mr Saied ayaa galay olole adag, oo gudbinaya farriin ku aaddan sumcad iyo ka hortagga musuqmaasuqa, laguna beegsanayo codbixiyeyaasha da`da yar. Wuxuu Mr Saciid ballan qaaday inuu dib u habeyn ku sameynayo dooraashada. Hase yeeshee, waxaa lagu dhaliilay aragtidiisa asal-raaca ah. Wuxuu taageersan yahay in la soo celiyo ciqaabta dilka, oo Tunisia laga joojiyay sanadkii 1994, wuxuuna sheegay haddii madaxtinnimo loo doorto in xaaskiisa aysan noqon doonin haweeneyda koowaad ee dalka. Wuxuu ka soo horjeedaa in ragga iyo haweenka ay si siman wax u dhaxlaan. Mr Saciid waxaa u diyaar ah qorshe ballaaran uu hay'adaha kala duwan isbeddel uu ugu sameyn karo, isaga oo sheegay inuu awoodda daka uu hoos u dhaadhicyo isla-markaana uu doonayo isbeddel sal ballaadhan inuu ku sameeyo dalka Tunisia. ""Sharciga oo wax laga beddelo wuxuu shacabka Tunisia oo dhan u horseedayaa iney helaan waxa ay doonayaan,"" ayuu yiri. Barafasoorka sharciga wuxuu taageeraa xukunka dilka lagu xukumo dambiyada qaarkood, isaga oo sheegay inuu diyaariyey qorshe ay dadkaasi dambiilayaasha ah lagu caawin karo. Kharashka ugu badan uu Barafasoor Qeys Saciid uu doorashada ugu qayb galay waxaa u uruuriyey shacabka dalkaasi oo ay dhalinyaro u badan yihiin, waana madaxweynihi ugu horreeyey oo ay shacabkaasi si xor ah u doortaan tani iyo marki uu geeriyooday madaxweynihi isaga ka horreeyey." https://www.bbc.com/somali/war-50059509 +politics 'Codbixiyayaasha geeriyooday' balse haddana ka codeeyay doorashada Mareykanka "Taageerayaasha Donald Trump ayaa ku andacooday in kumannaan codad ah laga dhiibtay doorashada Mareykanka iyada oo la adeegsanayo magacyo ay lahaayeen dad dhintay. ""Waxaan ahay 72 jir,"" Maria Arredondo oo reer Michigan ah ayaa noo sheegtay markii aan wacnay. ""Laakiin waan noolahay waana aan neefsanayaa. Maskaxdayduna si fiican ayey u shaqeyneysaa waana caafimaad qabaa."" Maria waxay sheegtay inay u codeysay Joe Biden ayna la yaabtay markii ay maqashay in magaceeda uu ka muuqday liiska dadka loo malaynayo in ay dhinteen ee gobolkaasi deggan. Waxaan la hadalnay dadka kale ee xaaladaha la midka ah tan Maria ee ku sugan Michigan waxaanan ka helnay sheekooyin la mid ah teedan. Waxaa jiray marar hore doorashooyinka Mareykanka dad dhintay oo sida muuqata la sheegay in ay codeeyeen. Tani waxay ka dhici kartaa khaladaadka baadiriyada ama laga yaabee xubnaha isku qoyska ah ee leh magacyada isku midka ah, laakiin taageerayaasha Trump waxay ku andacoonayaan in tani ay si weyn ugu dhacday doorashadan. Waxaan u amba-baxnay si aan u ogaanno haddii ay jiraan caddaynta sheegashadan. Sheekadu waxay ka bilaabmaysaa liiska ku dhowaad 10,000 oo magac oo uu soo dhigay barta Twitter-ka qof u ololeeya Trump. Waxa uu sheegayaa in ay yihiin dad dhintay, laakiin sidoo kale codeeyay doorashadii madaxtinimada ee gobolka Michigan. Sheegashooyinka sidan oo kale ah marar badan ayaa lagu soo celceliyay barnaamijyada kala duwan ee warbaahinta bulshada, oo ay ku jiraan sharci-dajiyayaasha xisbiga Jamhuuriga. Liiskan10,000 wuxuu ka kooban yahay magaca, lambarka boostada, iyo taariikhda cod-bixinta la helay. Qaar ka mid ah dadkan ayaa la sheegayaa inay dhinteen in ka badan 50 sano ka hor. Michigan waxay leedahay xog ururin kuu ogolaaneysa inaad gasho magaca qof, lambarka boostada, bisha dhalashada iyo sanadka dhalashada waxayna kuu ogolaaneysaa inaad aragto haddii ay ku codeeyeen codbixin maqane ah sanadkan. Marka waxaad si fudud u hubin kartaa in dadka liiska ku jira ay codeeyeen iyo in kale. Waxa kale oo jira dhowr degel oo Mareykan ah oo ay ku jiraan keydadka xogta dhimashada. Laakiin waxaa jira dhibaato aasaasi ah oo ku saabsan liiskan 10,000. Liiskan waxaa lagu arki karaa waxyaalo badan oo been ah sida - qof dhashay bishii Janaayo 1940 ayaa ka codeeyay Michigan doorashadan, waxaana jiray qof kale oo ku dhashay meel kale oo Mareykanka ah Janaayo 1940 oo ay isku magac yihiin qofkan asee hadda dhintay. Tani waxay ka dhici kartaa meelo badan oo aan xataa Mareykanka ahayn halkan (328 milyan oo qof aya ku nool), gaar ahaanna magacyo guud, in ay laba qof isku magac noqdaan waa wax iska caadi ah. Si aan u baadhno liiskan, waxaan ka soo xusnay 30 magac oo kala sooc lahayn. Waxa aan sida o kale ku darnay qofka ugu da'da weyn liiska. Liiskan oo ka kooban 31 magac, waxaan ku guuleysannay inaan si toos ah ula hadalno 11 qof (ama xubin qoyska ka mid ah, deris ama shaqaale guri) si loo xaqiijiyo inay weli nool yihiin. 17 qof oo kale, ma jirin diiwaanka dadweynaha ee dhimashadooda, waxaanan ka helnay caddeyn cad oo ah inay noolyihiin kadib taariikhda la sheegayo ee dhimashada ee liiska 10,000. Naqshad cad ayaa soo baxday - waxaana taasi noo caddaysay in waxa meesha ku qorani yihiin wax been ah. Ugu dambeyntiina, waxaan ogaanay in saddex qof oo liiska ku jiray ay runtii dhinteen. Waxaan baadhi doonnaa kiisaskan mar dambe. Xulashadayada 31 kiis ayaa ah muunad yar oo ka mid ah 10,000 oo magac oo liiska ku jira, laakiin waxay si cad u muujisay cilladaha ku jira xogta ay baahiyeen taageerayaasha Trump. Baadhitaankeenii waxaan ku ogaannay in la isku dhex walaaqay xogta dad nool iyo kuwa dhintay si loogu eekaysiiyo in dadkaasi yihiin dad dhintay dhammaantood. ""Haddii liisaska la isku xidhayolaguna saleeyo magaca iyo taariikhda dhalashada oo keli ah, gobol baaxad ahaan leeg Michigan, waxaa suure ah in aad helayso waxyaabo been abuur ah,"" ayuu yidhi Prof Justin Levitt, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga dimuqraadiyadda. Waxaa loo yaqaan arrimahan dhibaato ka dhalata taariikhda dhalashada - waana suuragal in laba arday oo isku fasal ah ay yeesheen isku xilli dhalasho. Sidaa darteed haddii aad isbarbardhigto malaayiin cod bixiyayaal ah oo ku nool Michigan iyo macluumaadka dhimashada ee guud ahaan Mareykanka waxaa hubaal ah inaad heleyso kuwo is leh, gaar ahaan haddii keydka cod-bixiyaha uusan ku jirin maalinta bisha ee uu qofku dhashay. ""Si fudud waa arrin ku saabsan tirakoobyada haddii aad tixraacdo malaayiin diiwaan oo aad la socoto malaayiin diiwaanno kale, waxaad heli doontaa tiro aad u badan oo is leh,"" ayuu yiri Prof Justin Levitt. Iyada oo codkeeda si aamin ah loo dhiibtay, lana tiriyey, Maria Arredondo waxay noo sheegtey in ay wax wanaagsan rajeyneyso maamulka cusub. ""Joe, wuxuu u ahaa madaxweyne ku xigeen weyn Obama intii uu xilka hayay. Aad ayaan ugu faraxsanahay. Culays ayaa garbahayga ka degay.""" https://www.bbc.com/somali/war-54944450 +health Si uu u hagaago caafimaadkaaga maskaxda, cun fitimiinkan "Ilaalinta caafimaadka maskaxda ayaa noqon kara wax adag, hase yeeshee mararka qaar waxa aad u baahan tahay cunno si fudud lagu heli karo. Dr Uma Naidoo oo cunnooyinka maskaxda u wanaagsan ka dhigta kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda Harvard, ayaa sheegtay inay jiraan cunnooyin si fudud looga heli karo fitimiinka kobciya caafimaadka maskaxda. Waraysi ay siisay BBC Mundo ayaa haweeneydan khabiirka ah waxa ay ku sheegtay in fitimiinka nooca B uu yahay kan waxtarka ugu badan u leh maskaxda. Fitimiinkan ayaa leh 8 nooc  oo kala duwan, kuwaasoo midkiiba uu daryeel gaar ah u leeyahay hawlaha maskaxda. Nooca B-1 oo sidoo kale loo yaqaanno ""thiamine"" ayaa caawiya unugyada maskaxda, qashin saarkooda iyo helitaanka tamarta. Haddii uu jirka ku yaraado noocan, waxaa dhici kara in qofka uu dhafiic ka noqdo dhanka fahanka, jirkiisuna ay dhibaato gaarto. Nooca B-12 ama ""cobalamin"" ayaa muhiim u ah sameynta unugyada cas ee dhiigga maskaxda iyo hidde-sidaha DNA. Waxa uu sidoo kale caawiyaa hannaanka neerfaha iyo horumarinta maskaxda. Nooca B-9 oo sidoo kale loo yaqaan ""folic acid"" ayaa ka qeyb qaata hawlaha gudbinta farriimaha neerfaha, sameynta DNA iyo nadiifinta unugyada. Haddii uu jirka ku yaraado noocan, waxaa isbeddela ama xumaada dareenka qofka. Marka in la cuno khudradda cagaaran ee laga helo fitimiinka B-9 ayaa waxa ay wanaajin kartaa niyad wanaagga qofka. Dr Naidoo ayaa sheegtay inay jiraan cunnooyin badan oo laga helo fitimiinka B ee muhiimka u ah kobaca iyo caafimaadka maskaxda. Noocyada kala duwan ee digirta ayaa qani ku ah nooca B-12, halka inta badan khudradda cagaaran laga helo nooca B-9. Caanaha fadhiya ee loo yaqaan ""yogurt"" ayaa laga helaa B-2, halka ukunta digaagga laga helo nooca B-7. Kalluunka salmon ayaa laga helaa noocyo badan oo fitimiin ah, waxaana ka mid ah B-2, B-3, B-6 iyo  B-12 oo dhammaan muhiim u ah kobaca iyo caafimaadka maskaxda. Dr Naidoo ayaa sheegtay in ay adag tahay in la ogaado tanka fitimiinka ku jira cunnooyinka maalin laha ah, sidaa awgeedna ay wanaagsan tahay in qofku helo cunno isu dheelli tiran. Cunnada isu dheeli tiran ayaa ka kooban noocyada kala duwan ee uu u baahan yahay jirka bani’aadanka. Ma aha in qofka uu ku koobnaado cunno gaar ah sida digirta, maadaama aad weynayso fitimiinnada kale. Maskaxda ayaa ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan jirka bani’aadanka, ilaalinteedana waxa ay muhiim u tahay caafimaadka guud." https://www.bbc.com/somali/articles/crgdj3yyk8wo +politics Trump: Safiirka Ingiriiska waa doqon gaamurey "Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay safiirka Ingiriiska u fadhiya Mareykanka inuu yahay nin doqon ah oo aanan fakarin. ""Waa nin doqon ah"" ayuu yiri Madaxweyne Trump, xilli Ingriiska iyo Mareykanka ay ka dhex taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay Emailo soo shaac baxay. ""Waa in uu ka hadlaa arrimaha ka taagan dalkiisa iyo Ra'iisul wasaaraha UK, May guuldarrada ay kasoo hoyisay arrinta ka bixidda Midowga Yurub, wax dan ah kama gelin dhaleeceenta lii jeedinayo si kastaba ha u xumaadeen "" ayuu yiri Trump. Hadalkan Trump ayaa kusoo beegmaya xilli xafiiska Downing Street ee looga taliyo dalka Ingiriiska uu soo saaray war murtiyeed lagu sheegay in Ra'isulwasaaraha Britain Theresa May ay kalsooni buuxda ku qabto safiirka u fadhiya Maraykanka, inkasta oo madaxweynaha dalkaas Donald Trump uu sheegay in uusan la shaqayn doonin Sir Kim Darroch. Axaddii ayay aheyd markii ay bannaanka usoo baxeen Emailo muujinayaa aragtida uu safiirka ka qabo maamulka Trump, isaga oo ku tilmaamay mid qalalaase ka samaysan, islamarkaasna ay wax badan ka qaldanyihiin. Safiirka Ingiriiska u fadhiyo Mareykanka Sir Kim ayaa la sheegay in uusan kulan la qaadan doonin gabadha Trump, Ivanka, kulankaas oo la qorsheeyay maanta, sida loo sheegay BBC. ""Safiirka waalan ee UK ee sanka laga galiyay Maraykanka ma ahan qof aan ku faraxsanahay, waa mid doqonimada ay ka tan badatay"" ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka. Theresa May ayaa safiirka ku tilmaamtay nin daacad ah oo runta ka sheega waxa uu arko ama dareemo. Hadalka Trump ee ah 'lama shaqayn doono Kim' ayaa ka dhignaan kara in danjiraha si rasmi ah looga eryay Maraykanka, lana siiyay waxa loo yaqaano Persona Non Grata." https://www.bbc.com/somali/war-48925003 +health Maxay yihiin nooleyaasha hawada sare lagu arkay ee loo diray koox soo baarta? "Waxaa lagu soo warramay in kumannaan nooleyaal ah oo aan la aqoonin iyo walxo kale lagu arkay iyagoo duulaya hawada sare. Dad ku sugan meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah ayaa sheegay in ay mar walba arkaan nooleyaashan oo lagu tilmaamo UFO ama UAPs. Seynisyahannada ayaa horay u beeniyay in ay jiraan waxyaabahan, iyagoo sheegay in nooleyaasha la hadal hayo aysan waxba ka jirin, balse ay yihiin oo kaliya caarocaaro hawada ku samaysan. Laakiin markii ay arrimahan dib usoo cusboonaadeen hadda, hay'adda cilmibaarista hawada sare ee Mareykanka, oo magaceeda loo soo gaabiyo NASA ayaa sheegtay inay koox seynisyahanno ah u dirayso si ay usoo baaraan. Waxaa rajo laga qabaa in kooxda daraasadda samaynaysa ay helaan xal waara oo ku aaddan xogta ku saabsan waxa ay nooleyaashaas yihiin. 9-kii bishii June ayaa bayaan kasoo baxay maamulka NASA la diyaarinayo kooxda seynisyahannada ah oo howshooda guda gali doona dabayaaqada bisha September ee sanadkan 2022-ka. Habka loo fulinayo daraasadda waa in loo kuur galo dhaqdhaqaaqyada waxyaabaha aan la garanaynin ee hawada sare ku socda, kuwaasoo kaddibna loo baari doono seynis ahaan. Daraasadda waxaa xoogga lagu saari doonaa in la helo xog rasmi ah oo lagu qeexayo nooleyaasha la tuhunsan yahay. Hay'adda NASA ayaa ku dadaalaysa in faham laga qaato cilmiga seyniska ah ee sharraxaya nooleyaasha loo yaqaanno UAPs. Waxay noqonaysaa markii ugu horraysay ee tallaabo noocan ah ay culimada seyniska qaadaan. Cilmi baarista horay loogu sameeyay arrimahan ayaa ahayd mid aad u xaddidan lamana gaarsiinin heer lagu kala caddeeyo dhacdooyinka ku lugta leh nooleyaasha hawada sare ee aan laga warqabin. ""Ujeeddada laga leeyahay baaritaankan hadda la billaabayo waa in la xaqiijiyo amniga qaranka Mareykanka iyo sidoo kale hubinta nabadgalyada hawada sare,"" ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hay'adda NASA. Amniga hawada oo la hubinyo waxa uu meesha ka saarayaa khatar soo wajahda haawiidka duullimaadyada sameeya, sida diyaaradaha iyo dayax gacmeedyada. Ilaa hadda ma jiraan wax caddeymo ah oo loo hayo jiritaanka dhabta ah ee qalabka aan la garanayn iyo waxyaabaha hawada lagu arko. ""NASA waxay aaminsan tahay in qalabka seyniska ee la hayo uu awood buuxda u leeyahay howshan loo diray,"" ayuu yiri Thomas Zurbuchen oo ah seynisyahan ka shaqeeya Xarunta dhexe ee ay NASA ku leedahay magaalada Washington. Daniel Evans, oo isagana ah ku xigeenka maamulaha NASA ayaa sheegay in daraasaddan cusub ay shaaca ka qaadi doonto xog faahfaahsan." https://www.bbc.com/somali/articles/cm5vk1e1z81o +health Seeynisyahan aaminsan in gabowga yahay cudur, lana daweyn karo "Waayeelnimadu waa dhab oo waa lama huraan, waana halka uu qof walba ku dambeyn doono hadii uu nool-yahay, balse waa hidde-sidaha sida uu aaminsan yahay seenisyahan David Sinclair oo oo beeniyay. Sida laga soo xigtay daraasad la sameeyay in ka badan labaatan sano ka hor, wuxuu sheegay in ay suurtogal tahay in laga hortago duqnimada degdegga ah, iyadoo lagu saleynayo dhowr arrimood, si qofka caafimaadkiisa loo sugo muddo dheer. Seeynisyahan Sinclair wuxuu rumeysan yahay in dhowaan ay suurtogal noqon doonto in meesha laga saaro gabowga iyadoo la isticmaalayo dawooyin, kuwaas oo wali la tijaabinayo oo ""laga yaabo in awood loo yeesho in la baabi'yo gabowga. Saynisyahankan oo ah dhakhtar ka tirsan Jaamacadda Australia, iyo Machadka Teknolojiyadda Massachusetts ee Maraykanka, ayaa ka shaqeeya sheybaarka Jaamacadda Harvard, halkaas oo uu ka baarayo sababta aan loo duqoobo. Dhowr abaalmarin oo dhanka seyniska ah ayuu ku guuleystay. Wuxuuna xitaa noqday qof caan ah. Waxaa loo doortay inuu ka mid noqdo 100 -ka qof ee ugu saameynta badan adduunka, sida lagu qoray majaladda Time. Wargeyskaas waxay barta twitter-ka ku leedahay ku dhawaad ​​200,000 oo ku taxan. Cilmi-baaraha ayaa sidoo kale aasaasay dhowr xarumood oo cilmi-baaris ah, kuwaas oo qaarkood xoogga saaray gabowga ama ka hortagga duqowga. Sinclair, sidoo kale waa qoraaga buugga Lifespan kaas oo eegaya rajooyinka maalmaha nolosha, wuxuu u noqday buugga ugu iibsashada badan. Wuxuu wax ka qoray sheekada caanka ah ee gabowga lama huraanka ah. Saynisyahanka wuxuu rumaysan yahay inay tahay in aan beddelno aragtidayada ku aaddan sida aan uga fikirno da'da: ""Halkii aan u arki lahayn inay tahay uun hannaan caadi ah iyo ifafaale dabiici ah, waa in aan u aragnaa in gabowga yahay cudur la daaweyn karo,"" ayuu yiri. Sinclair ayaa sheegaya in tani ay tahay isbeddel weyn oo ku dhaca hab-dhaqankeenna ku aaddan waayeelka kaas oo gacan ka geysan kara dheeraynta nolosha. Iyo in laga tago ""khuraafaadka ah in qof walba ay khasabtahay inuu gaboobo"", sida uu aaminsan yahay. Arrimaha kale ee Sinclair uu sheegay waxaa ka mid ah: ""daaweynta waxay naga caawin kartaa in aan sii noolaano, haddii ay tahay in aan taas si dhab ah u qaadanno."" Saynisyahannadu waxay ogaadeen sagaal sababood oo suurtagal u noqon kara gabowga. Cilmi-baaristiisii socotay 25 sano ee la soo dhaafayna, waxay muujineysaa in labadaas ay kala yihiin: ""Waxaan u malaynayaa in ay kuwan yihiin sababaha aan u gabowno,"" ayuu yiri Sinclair. ""Ma jiro sharci bayooloji ah oo dhahaya 'waa in aan gaboownaa'. Ma garanayno sida looga takhaluso fikraddan balse meesha waan ka saari karnaa haddii aan tan yarayno. Sheybaarkana wuxuu samayn karaa habkaas"", ayuu sheegay ninkan seynisyahanka ah. ""Qaabka aan u noolnahay maalin kasta waxay saamayn weyn ku leeyihiin nolol-maalmeedkeenna oo xitaa waxay soo gaabinaysaa maalmaha nolosheenna."" Samaynta waxyaabaha saxda ah waxay hoos u dhigi kartaa gabowga. Intaas waxaa sii dheer, in ka badan 80% boqolkiiba, daryeelka caafimaad ee mustaqbalka ay ku xiran tahay sida aan u nool nahay ee kuma xirna Hidda sidaha, ayuu sheegay ninkan. Waxaa jiro waxyaabo ay saynisyahannada ka ogaadeen dadka cimriga dheer. Marka laga taxaddaro nooca saxda ah ee cuntada iyo xaddiga uu qofka cunayo, waxay qeyb weyn ka qaadan kartaa la dagaallanka gabowga. Jimicsiga ayaa sidoo kale caawiya ka hortagga gabowga. Saynisyahannada waxay rumaysan yihiin in qaababka qaar ee nolosha ay jirka ka caawin karaan la dagaallamo ""cudurka gabowga"". Cilmi-baareyaasha waxay rumaysan yihiin in jimicsiga, oo si habboon loo sameeyo, iyo cunista cuntooyinka dheeli-tiran, ay gacan ka geysan doonaan in la yareeyo geedi-socodka duqnimada. Gaboowga wuxuu sababaa cuduro badan sida wadne xanuunka, macaanka iyo cuduro kale. Markaa fikradda ah in qofka laga dhigo mid u muuqda qof da'yar, ayaa ka dhigi doonta inuu si caafimaad ah ku sii noolaado. Daraasad dhowaan lagu daabacay joornaalka Nature, waxay kor u qaadday arrinta il-baxnimada qadiimiga ah. Waxay arrintaas muujinaysaa in hawlaha aan qabanno awgood, aynaan dib u dhigi karin gabowga ama aynaan ka hortagi karin in dadka ay duqoobaan. 200 oo sano ka hor, bini-aadamka wuxuu awood u lahaa inuu ku socdo xawaaraha faraska. Waxaa jiro farsamooyin aan isticmaali karno si aan u xallino dhibaatadaas oo aan nolosha u wanaajino." https://www.bbc.com/somali/war-58846766 +entertainment Ranbir Kapoor: Jilaaga caanka ah ee arooskiisa laga dhursugayay oo ugu dambeyn guursanaya "Warkii ay muddo badan sugayeen ayaa loo sheegay taageerayaasha jilaaga Bollywood-ka, Ranbir Kapoor iyo atariishada Alia Bhatt, warkaas oo qof walba uu u kulaa inuu maqlo. Dadka ayaa ka hadlayay guurka Ranbir iyo Alia muddo afar sano ah, balse haatan labada jilaa ayaa arrintaas soo afjaray. Ranbir iyo Alia ayaa ugu dambeyn is guursanaya. Caado-dhaqameedka arooska ee labadan jilaa ayaa bilowday maanta. Hooyada Ranbir Kapoor oo ah aktarad caan ah, Neetu Kapoor, iyo dhammaan qoyska ayaa diyaarinaya xafladda arooska. Ranbir Kapoor walaashiis Riddhima Kapoor Sahni iyo dumaashigeed Bharat Sahni ayaa ka soo duulay Delhi iyagoo gaaray Mumbai. Caadooyinka arooska ayaana lagu bilaabay macbadka. Qoyska Kapoor ayaa maanta caadada loo yaqaanno puja ku sameeyay Dhismaha Vastu ee magaaladaas. Dhismahan, ayuu Ranbir Kapoor kaga nool yahay dabaqa siddeedaad halka Alia Bhatt ay ka deggan tahay dabaqa shanaad. Qoyska Kapoor iyo dad u dhow qoyska Bhatt ayaa ka qeyb qaadanaya arooska. Cillaan-saarka loo yaqaanno Mehndi ayaa sidoo kae caawa la dhammeystirayaa. Kaddib Mehndi, waxaa jiri doona munaasabadaha Haldi iyo Sangeet. Mar walba oo laga hadlayo arooska jilaayada Bollywood-ka, waxaa mar walba dib loo dhigaa taariikhda arooskooda. Hore, waxay sidaas ugu dhacday guurka Deepika Padukone, Ranveer Singh haddana Katrina Kaif iyo Vicky Kaushal. Haddana waxay taas ku dhacday guurka Ranbir iyo Alia. Dhowaan, Neetu Kapoor oo xaakim ka ahayd bandhig qoob ka cayaarka lagu soo bandhigayay, ayaa wax laga weydiiyay guurka Ranbir iyo Alia, waxayse sheegtay inaysan wax war ah ka heyn. Kleiya maaha Neetu ee mar Alia qudheedawax laga weydiiyay xilliga guurkeeda dhacay waxay tiri, ""Waxaan u maleynayaa inay dadku u baahan yihiin inay xoogaa ka nastaan. Sanadkii hore Bollywood waxaa ka dhacay labo aroos oo qurux badan. Waxaan u maleynayaa inay tahay inaan hadda nasanno xoogaa, daawanno aflaanta, filimaanta jilno wixii kalena waa la arki doonaa."" Alia Bhatt iyo Ranbir ayaa marar badan lagu arkay iyagoo jaceylkooda ku muujinaya goob abaal-marin lagu bixinayay balse labadooduba marnaba kama aysan hadlin xilliga guurkooda uu dhici doono. Dhowaan, markii Ranbir Kapoor wax laga weydiiyay guurkiisa, wuxuu yiri, ""Ma waalni oo taariikhda kama sheegayo warbaahinta, balse waxaan idiin sheegi karaa in aniga iyo Alia aan is qabno. Waxaan qorsheyneynaa inaan is guursanno. Waxaan rajeynayaa inay mar dhow dhacdo."" Sida uu ku billowday jaceylka Ranbir iyo Alia Jaceylka ay Alia u heyso Ranbir qalbigeeda ayuu ku weynaa kahor inta aysan bilaabin xirfadda wax jilidda, waxayna markii ugu horreysay jacaylkeeda ku sheegtay bandhigga soo saaraha Karan Johar ee 'Koffee with Karan'. Alia Bhatt ayaa aad u jecleyd Ranbir. Alia Bhatt ayaa markii ugu horreysay sanakii 2018 qiratay in jaceylkii keliga ku ahaa uu noqday mid ay isla hayaan Ranbir Kapoor. Labadan jilaa ayaa markii ay isla dhigeen filin, waxaa qalbiyadooda biya dhigay jaceylkii ay isku qabeen. Qofna ma uusan fileyn laakiin in arrintooda ay guur ku dambeyn doonto. Sababtuna waa inaan la ogeyn amaba aysan labadan jilaa shaacin taariikhda guurkooda. Dadku waxay u heysteen inaysan labadan is guursan doonin, balse guurkooda keliya kama uusan yaabin warbaahinta ee wuxuu xitaa dhakafaar ku noqday taageerayaashooda. Ranbir iyo Alia ayaa iskala soo shaqeeyay horudhaca filimaan badan, balse guurkooda kaddib ayay qorsheynayaan inay filin isla dhigaan." https://www.bbc.com/somali/war-61099056 +sports George Floyd: 30-kii daqiiqo ee ugu dambeysay noloshiisa "Waxaa dalka Mareykanka ka socdo diyaargowga maxkameynta Derek Chauvin, oo ah askeriga lagu eedeeyay dilka ninka madowga ahaa e aan hubeysnyn George Floyd. Dilkii uu askari boolis caddaanka ah gaystay waxay sababtay iney gobollada Mareykanka oo dhan ay ruuxaan muddaharaadyo rabshada wata iyo dibadbaxyo ka dhacay meelo badna oo caalamka ah. Muuqaalka aadka looga argagaxay ee laga duubay ninkan 46 sano jirka ahaa ayaa muujinaya wixi dhexmaray booliska Minneapolis iyo George Floyd qabashadiisa ilaa iyo geeridiisa. Dadkii goob joogga u ahaa dhacdadaas iyo muuqaalladi laga duubay waxaa la ogaaday arrimahan hoos ku xusan. George Floyd dukaan lagu magaacbo Cap Foods ayuu ka iibsaday sigaar. Shaqaalihi dukaanka ka shaqeynayey ayaa booliska wacay una sheegay inuu Floyd uu siiyey 20 doolar oo bug ah. George Floyd oo ku dhashay Texas ayaa sanada badan ku noolaa Minneapolis. Wuxuu wakhtiyadi ugu dambeeyey uu ka shaqeeynayey maqaayad inkastoo si la mid ah malaayiinta qof ee Mareykanka ku nool uu saameeyey Covid-19 oo uu shaqa la'aan ahaa. George wuxuuna in mudda ah uu macamiil u ahaa dukaanka Cup Foods oo uu inta badan wax ka iibsan jiray. Mulkiilaha dukaanka Mick Abumayeleh wuxuu NBC u sheegay inuu dukaankiisa macamiil u ahaa, uuna ahaa nin ixtiraam badan oo dadka aad u soo dhaweysta. Balse maalinta ay dhacadaasi foosha xun dhaceysay mulkiilaha dukaankiisa wuu ka maqnaa. Wiil dhalinyara ah oo dukaanka ka shaqeeya ayaa ka shakiyey 20-ka doolar uu wax kaga iibsaday Floyd kadibna wacay lambarka booliska 911. Sida ay tilmaameyso xogta laga helay diwaanka wicitaanka la duubay ee boolisku keydiyay wiilka yar ayaa booliska u sheegay inuu ka dalbaday Floyd inuu u soo celiya sigaarka, balse Floyd-na uu diiday. Wiilka dukaanka iibinayeyna wuxuu intaa ku daray George Floyd inuu u ekaa qof khamreysan, oo ahaa qof aan iskoontarooli karin. 8 daqiiqo marki ay ka soo wareegtay xilliga Booliska la wacay ayey boolisku goobti laga soo wacay soo gaareen. Xilligaasina George Floyd iyo laba qof oo kale ayaa gaari taagan ku wada jiray. Booliska marka ay gaariga ku dhawaadeen waxaa qori la soo baxay askariga lagu magacaabo Thomas Len i Floyd oo ku amray inuu gaariga ka soo dego. Ma cadda sababta askariga ku kalliftay qof aan hubeysneen inuu bistoolad ula soo baxa Thomas Len oo xeer ilaaliyaha uga warramay wixi dhacay wuxuu sheegay ""inuu ku yiri gaariga ka soo deg "" intaa kaddibna ""George Floyd diidmo ayuu muujiyey taasoo horseeday in gacmaha laga xiro"" ayuu yiri. 14 daqiiqo kaddib ayuu Derek Chovin oo ah askeriga dilay Floyd uu goobta soo gaaray. Isaga iyo askari kale xilli ay isku dayayeen iney gaariga booliska saaraan, ayuu Chovin, George Floyd daqiiqaddi 19-aad uu dhulka ku celiyey jilibkana uu qoorta ka saaray. Gabar dhacdadaasi goob joog u ahayd waxay duubidda dhacdada billaawday George Floyd marka u dhulka ku dhacay isaga oo gacmaha ka xiran. George wajigiisa aragagax iyo degganaasha la'aan ayaa laga akhrisanayey. Daqiiqadihi noolashiisa u dambeysayna muuqaalka caalamka oo dhan gaaray ayaa laga dheehanayaa. Muuqaalkana waxaa lagu arkayey George oo leh ""waan neefsan la'ahay"" mararka qaarna wuxuu ku dhawaaqayey ""hooya iga soo gaar"", ""fadlan, fadlan, fadlan"" isaga oo leh. Xogta laga helay xeer ilaaliyaha kiiska gacanata ku haya waxay sheegeysaa ku dhawaad 9 daqiiqo (8 daqiiqo iyo 46 ilbiriisi) askariga inuu Floyd jilibka qoorta kaga hayey. 6 daqiiqo marka uu askariga jilibka kaga hayo qoorta Floyd ayuu George dhaqdhaqaaqi gabay. Askari ka mid ah ayaa isku dayay inuu gacantiisa midig uu ku fiiriyo garaaca wadnahiisa balse wax dhaqdhaqaaq ah ma lahayn. Hase yeeshee, weli askarti booliska ahayd jirka Floyd kama dul kicin. Daqiiqaddii 27-aad ayuu askarigi jilibka ka qaaday jirka dhaqdhaqaaqa gabay ee George Floyd. George Floyd ambalaas ayaa lagu qaaday waxana la geeyey isbitaal balse saacad kaddib Floyd ayaa la sheegay inuu geeriyooday. Christopher Harris oo ay Floyd saaxibba ahaayeen wuxuu sheegay dhimashada George Floyd maalin ka hor mar ay sheekeysanayeen uu u sheegay inuu raadinayo shaqo ku meel gaar ah. ""Dilka loo geystay waa mid arxandarra ah"", ayuu yiri Harris. ""In muddo ah wuxuu askarta ka baryayey iney naftiisa badbaadiyaan. Marka aad kalsooni siiso nidaam aan adiga laguugu talagelin natiijadu sidan ayey noqonaysaa. Marka aad caddaalad heli weydo adigoo raacaya sharciga, waxaad billaabeysaa in si bilaa sharci ah aad caddaaladda ku raadsato." https://www.bbc.com/somali/war-52867395 +politics Qutbuddin Aybak: Addoonkii Muslimka ahaa ee hogaamiyay Boqortooyadii Hindiya Qutbuddin Aybak waxa uu ahaa suldaankii ugu horreeyay ee Dehli, waxaana markii dambe uu la wareegay hogaanka Boqortooyadii Ghulam ee ka arrimin jirtay Pakistan, Afgnaistan iyo Hindiya. Waa ninka billaabay dhismaha caanka ah ee Qutub, ee ku yaalla caasimadda Dehli, kuna astaysan goobaha taariikhiga ah. Ninkan oo mar ahaan jiray addoon ayaa bud dhig u ahaa xukun Islaami ah oo Hindiya ka talinayay ku dhawaad 600 oo sano. Waxa uu ku dhashay meel ka tirsan bartamaha Aasiya, asal ahaana waxa uu ka soo jeeday qowmiyadda Turkiga. Isagoo da' yar ayaa waxaa addoon ahaan loo iibiyay, waxaana la wareegay nin madax u ahaa magaalada Nishapur ee ka tirsan gobolka Khorasan, Iran. Mas'uulka iibsaday ayaa ula dhaqmay sida carruurtiisa oo kale, waxaana uu si wanaagsan u bartay afafka Carabiga iyo Farisiga, fardo fuulka iyo fallaar ku dirirka. Markii uu dhintay ninkii haystay, ayaa carruurtiisa oo ka xun qaabka loo soo dhaweeyay Qutbuddin waxa ay marka kale u iibiyeen addoon ahaan. Waxaa se uu nasiib u yeeshay inuu gacanta u galo Suldaan Maxamed Ghori oo markaa ka talinayay Waqooyi-Galbeed Afghanistan. Muddo kadib, waxa uu Qutbuddin ka caawiyay Suldaanka inuu dhul horleh qabsado gaar ahaan waqooyiga Hindiya. Markii uu Suldaan Maxamed Ghori geeriyooday 1206, Qutbuddin ayaa loolan kooban kadib la wareegay xukunka. Ma jirin qof uu doortay Ghori si uu uga dhaxlo xukunka. Waxa uu dhisay Boqortooyo sal ballaaran oo markii ugu horraysay dhulkaas ka hirgelisay caanshuur ururin, ismaamul iyo sarreynta sharciga. Waxaa lagu amaanay in xilligiisii uu isu soo dhaweeyay Hindida iyo Muslimiinta dalkaas oo uu dhismayaashiisa ka shaqaalaysiiyay Hindida xirfadda leh. Dadka dhaliilsan ayaa ku eedeeyay in dhaqamadiisa qaar ay dowr ka ciyaareen khilaafka maanta u dhexeeya Muslimiinta iyo Hindida dalkaas. Taariikhyahannada ayaa qoray in Qutbuddin uu si lama filaan ah u dhintay xilli uu ka qeyb qaadanayay ciyaarta kubadda fardaha lagu dheele ee Polo loo yaqaan, kadib markii uu faraskiisii la dhacay. Waxa uu ku aasan yahay magaalada Lahor ee dalka Pakistan, halkaas oo sanad kasta ay dad siyaartaan. Qutbuddin ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa geesi gulo muhiim ah gaaray, waxaana uu sidoo kale caan ku ahaa deeqsinnimada, isagoo lagu naaneysi jiray ninka sadaqeysta boqolaalka kun. Taariikhyahannada Muslimka ah ayaa ku tilmaamay inuu ku wanaagsanaa cibaadada, waxaana uu Hindiya xilligiisii ka dhigay xarunta Muslimiinta Aasiya. https://www.bbc.com/somali/war-61852496 +entertainment Bollywood: Wax ka Ogow waqtiga la daawan doono 5 filim ee waaweyn ee horey dib logu dhigay "Ku dhawaad laba sano, cudurka Corona dartiis, waxaa la baajiyay waxyaabo badan oo madadaalo ah sida in la hakiyay baahinta filimo badan oo la soo bandhigi lahaa. Hindiya oo kaliya mahan, balse Covid-19 wuxuu saameyn xun ku yeeshay adduunka oo dhan. Hindiya waxay hadda isku dayeysaa inay ka soo kabato mowjaddii labaad ee cudurka Corona. Dhaqaalaha ayaa sidoo kale tartiib u soo kabanaya. Marka laga hadlayo aflaanta Hindiga, waxay la kulmeen khasaare aad u weyn oo ka dhashay xiritaanka hoolalka iyo shineemooyinka. Si kastaba ha ahaatee, hadda tiyaatarada ku yaalla qaar ka mid ah gobollada Hindiya ayaa dib loo furay. Dhawaan, filim sameeye Rohit Shetty, madaxa Pen Film Jayantilal Gada iyo wakiillada ururada shineemooyiinka ayaa la kulmay Madaxa gobolka Maharashtra, Uddhav Thackeray. Kulankan ka dib, waxaa lagu dhawaaqay in tiyaatarada Maharashtra la furi doono laga bilaabo Oktoobar 22, 2021. Waxaa sidoo kale loo sheegay in habraaca hawsha caadiga ah ee shineemooyinka dhowaan lagu dhawaaqi doono. Boqolkiiba 30 dakhliga wax soo saarka filimanta ayaa ka yimaado gobolka Maharashtra. Waa qaybta ugu weyn marka laga hadlayo ganacsiga filimada dalka Hindiya. Baaxadda guusha iyo dakhliga filimka waxaa lagu qiyaasaa guusha laga gaaray gobolka Maharashtra. Soo saaridda aflaam badan oo waa weyn oo ka mid ah kuwa Hindiga ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira dhammeystirka tiyaatarada oo aan muddo dheer xirnaa. Waxay hadda heleen taariikhda la siideynayo aflaantii dib loo dhigay xilligii koroonaha uu faraha ba'an ku hayay Hindiya. Marka xigta waxaan ka hadli doonnaa qaar ka mid ah filimada noocaas ah, kuwaas oo sii deyntooda uu saameyay fayriska saf-marka ah. Filimka 'Suryavanshi', oo laga sameeyay agaasimaha aflaanta Hindiga Rohit Shetty iyo xiddiga Akshay Kumar, waxaa siideyntiisa la sugayay ku dhawaad hal sano. Waa filimkii seddexaad ee taxanaha ee ka hadlaya ficilada booliska ee Rohit Shetty. Horay waxaa u guuleestay filimkiisa Ajay Devgan ee 'Singham' iyo Ranveer Singh oo ahaa 'Simmba'. Akshay Kumar, Ajay Devgan iyo Ranveer Singh ayaa markii ugu horeysay si wadajir ah loo arki doonaa. Katrina Kaif ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaareysa filimka cusub. Siideynta filimka Sooryavanshi, oo la soo saari lahaa 24-ka Maarso, 2020 ee sannadkii hore, ayaa hakad ku yimid, Corona awgii. Horraantii 2021, markii uu hoos u dhacay cudurka saf-marka ah, waxaa billaabatay in tiyaatarada qaar dib loo furo. Soo bixitaanka aflaan badan oo waa weyn ayaa xilligaas la shaaciyay. Ka dibna waxaa lagu dhawaaqay in Sooryavanshi la daawan doono April 30, 2021. Laakiin mowjaddii labaad ee Coronavirus waxay ku qasabtay in la mamnuco shineemooyinka. Siideynta filimkan ayaa mar kale dib loo dhigay. Rohit Shetty ayaa ku dhawaaqay wakhtiga la sii deynayo 'Sooryavanshi' wuxuuna sheegay in filimkiisa haatan tiyaatarada laga daawan doono xilli dabaldaga Diwali. Ranveer Singh waxaa lagu arki doonaa doorka Kapil Dev filimka '83', iyadoo lagu saleynayo guushii taariikhiga aheyd ee koobkii ugu horreeyay ee ciyaarta Cricket -ee ay Hindiya qaaday. Filimka lagu magacaabo '83' oo uu hage ama Director ka yahay Kabir Khan, ayaa Deepika Padukone waxay ku jileysa Kapil Dev xaaskiisa iyo sidoo kale soo saare. Pankaj Tripathi, Raj Bhasin, Saqib Saleem, Sahil Khattar, Ammy Virk iyo Hardy Sandhu ayaa sidoo kale jilaya jilayaasha kooxda ku guuleysatay '83' Koobka Adduunka ee filimkan lagu sameeyay cricket -ka. Filimka ayaa loo qorsheeyay inuu soo baxo sannadkii hore - Apriil 10, 2020 - laakiin cudurka Corona awgiis, taariikhda siideynta filimka ayaa dib loo dhigay, 25 December, 2020. Taariikhda sii deynta filimka ayaa mar kale loo beddelay Juun 4, 2021. Balse xilliga filimka la sii deynayo ayaa dib loo dhigay illaa wakhti aan la cayimin sababo la xiriira feyriska Corona. Hadda oo lagu dhawaaqay furitaanka tiyaatarada Maharashtra, waxaa qabanqaabiyayaasha filimkan '83' ay go'aamiyeen in la daawan doono xilliga loo dabaaldegayo ciidda masixiyiinta ee Christmas-ka, dhammaadka sannadka. Hadda filimkan ayaa la daawan doonaa toddobaadka ugu dambeeya sannadka waxaana uu ku bixi doonaan afafka Hindi, Tamil, Telugu, Kannada iyo Malayalam. Sannadkii 2018 oo la sameeyay 'Satyamev Jayate', waxa jilayaashiisa ka mid ah John Abraham iyo Manoj Bajpayee. Filimka wuxuu noqday mid faa'iido badan ay ka heleen soo saarayaasha, waxayna ka soo galay dhaqaale gaaraya Rs 100 crore. Midka cusub ee qeybta la baad ah, waxaa agaasime ka ahaa Milap Jhaveri, waxaana la qorsheeyay in la sii daayo Apriil 2021. Laakiin cudurka Corona dartiis, ayaa daawashada filimka dib loogu dhigay illaa waqti aan la cayimin. Balse waxaa la filayaa in dhowaan la sii daayo. Yash Raj Films ayaa lagu tiriyaa istuudiyaha filimada ugu weyn ee shirkadaha aflaanta Hindiga, Bollywood. Rani Mukerji, Abhishek Bachchan iyo Amitabh Bachchan, filimkooda Bunty Aur Babli, oo la sameeyay 2005-tii, wuxuu aad u soo jiidatay daawadeyaal badan. Heesta ""Kajrare Kajrare"" oo ku jirtay filimkaas ayaa noqotay mid caan baxday. 15 sano ka dib, Saif Ali Khan ayaa markale ka soo muuqay qeybta labaad ee filimka ee imika la soo saarayo. Filimka, oo soo saaristiisu bilaabatay 26-kii Juun, 2020 ee sannadkii hore, duubistiisa laguma dhameynin wakhtigii loogu talagalay, cudurka Corona awgiis. Duubidda ayaa dib u bilaabatay mardambe waxaana la dhammaystiray bishii Sebtember ee sannadkii 2020. Filimka 'Bunty Aur Babli 2' waxaa imika la daawan doonaa 19 bsiha November, 2021. Xilligan, filimo badan oo waaweyn oo ka soo baxay Yash Raj Studio ayaa diyaar u ah in la sii daayo, waxaana ka mid ah Akshay Kumar filimkiisii taariikhiga ahaa Prithviraj, Ranbir Kapoor's Shamsher, Ranveer Singh Jayesh Bhai Jordar. Yash Raj Studios ayaa xaqiijiyay in aflaantooda loo sameeyay tiyaatarada, sidaa darteed ay sii daawan doonaan marka tiyaatarada la furo. Atariisho kasta oo ka tirsan bahda filimada ayaa ku hamineysa inay noqoto halyeeyga filimada uu agaasimay Sanjay Leela Bhansali. Ka dib markii ay la shaqaysay Manisha Koirala, Aishwarya Rai Bachchan, Madhuri Dixit Nene, Rani Mukerji, Priyanka Chopra iyo Deepika Padukone, Sanjay Leela Bh Ka dib markii ay la shaqeysay Manisha Koirala, Aishwarya Rai Bachchan, Madhuri Dixit Nene, Rani Mukerji, Priyanka Chopra iyo Deepika Padukone, Sanjay Leela Bhansali ayaa haatan Gangubai Kathiawadi waxay filim la sameyneysa Alia Bhatt. Filimka wuxuu ku hadlayaa nolosha tawaif ee dhabta ah. Ajay Devgan ayaa sidoo kale filimkan door ka qaadan doono. Sannadkii la soo dhaafay duubidda filimka ayaa la joojiyay in muddo ah bishii March. Muddadaas, filimka waxaa la duubay boqolkiiba 70. Duubista filimka intiisa kale ayaa dib loo bilaabay bishii October ee sannadkii hore waxaana la soo gabagabeeyay June 2021. Intaas ka dib, taariikhda la daawan lahaa ayaa loo cayimay 30 July, 2021, balse mawjadda labaad ee cudurka, ayaa mar kale dib logu dhigay. Soo saaraha Penn Studio ayaa baahyiyay bayaan uu ku cadeynayo in filimkan lagu daawan doonaa tiyaatarada oo kaliya." https://www.bbc.com/somali/war-58744961 +technology 'Sawirkii fashilay in anigoo yar la isoo xaday' "Bishii April ee sanadkii 1997-kii, haweeney soo xiratay dharka kalkaalisooyinka ayaa isbitaal ku yaalla magaalada Cape Town ka qaadatay ilmo yar oo saddex maalmood dhallanaa. Waxay ilmaha kala baxday qeybta dhalmada, xilli hooyada ay jiiftay. Si lama filaan ah ayey gabadhii waagaas la xaday oo 17 jir ah ku ogaatay sirta ku saabsan in iyadoo yar laga soo xaday qoyskeeda. Waxay ogaatay qofka saxda ah ee ay tahay iyo khiyaanada qoyska ay kusoo kortay iyadoo u heysata waalidiinteeda. Miché Solomon waxay markaas billaabeysay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashada dugsiga sare, oo ay ka dhiganeysay magaalada Cape Town, dalka Koonfur Afrika. Maalin ka mid ahayd bishii January ee sanadkii 2015-kii, Miché, oo 17 jir ahayd, waxaa kusoo soo xoomay ardayda kale ee iskuulkeeda, kuwaasoo si xiiso leh ugu sheegayay gabar cusub oo kusoo biirtay Iskuulka, oo lagu magacaabo Cassidy Nurse, taasoo ka yareyd saddex sano laakiin ay aad isugu egyihiin. Miché markii ugu horreysay ee arrintan loo sheegay waxba kama aysan soo qaadin, aadna ugama aysan fakarin. Laakiin markii goor dambe ay labada gabdhood ku kulmeen barxadda iskuulka, Miché waxay sheegtay inay dareentay wax aysan sharrixi karin. ""Waxay ila noqotay sida inaan horay u aqaannay oo kale,"" ayey tiri. ""Waan naxsanaa- ma fahmi karin sababta uu dareenkaas ii galay."" Inkastoo ay da' dhowr sano ah u dhaxeysay, Miché iyo Cassidy waxay billaabeen inay waqti badan isla qaataan. ""Waxaan dhihi jiray, 'Haye gabadha yar!' Iyaduna waxay i dhihi jirtay, 'Haye walaashey iga weyn!'"" ayey tiri Miché oo dib u xasuusaneysa marxaladdaas. ""Mararka qaar waxaan u raaci jiray suuliga anigoo ku dhahaya aan timaha kuu shanleeyo, aan kuu hagaajiyo labiska."" Markii uu qof weydiiyo Miché iyo Cassidy inay walaalo yihiin, waxay si kaftan ah u dhihi jireen, ""ma garaneyno - waxaa laga yaabaa inaan nolol kale walaalo ku nahay!"" Kaddib maalin maalmaha ka mid ah, labada gabdhood sawir ayey isla galeen, waxayna tuseen saaxiibbadooda kale. Qaarkood waxay Miché weydiiyeen inay hubto in waalidkeeda ay soo korsadeen kaliya, oo qoys kale ay kasoo jeeddo. Laakiin waxay ku adkeysatay inay dhahdo: Maya! Waallida iska dhaafa!"". Markaas kaddib Miché iyo Cassidy waxay aadeen guryahooda, waalidiintooda ayeyna kala tuseen sawirkii. Lavona, oo ah Miché hooyadeed, oo mar kasta suuqa geyn jirtay, filimaantana soo lasoo daawan jirtay ayaa ka hadashay sida ay labada gabdhood isugu egyihiin. Michael, oo isagana ah Miché aabaheed, ayaa sheegay inuu yaqaanno saaxiibadda cusub ee gabdhiisa - Cassidy aabeheed wuxuu lahaa dukaan qalabka korontada lagu iibiyo, halkaasoo uu mararka qaar wax kasoo qadan jiray. Laakiin Cassidy waalidiinteeda, Celeste iyo Morne Nurse, markii ay sawirka arkeen waxay galeen xasuus. Waxay Cassidy ka dalbadeen inay su'aal soo weydiiso Miché, marka xiga oo ay kulmaanna ay weydiiso: ""Ma waxaad dhalatay 30 April 1997?"" Way u tagtay, su'aashii ayeyna u bandhigtay. ""Waxaan ku irir, 'Maxay tahay sababta? Ma waxaad dabagal ku sameyn rabtaa Facebook-geyga?'"" ayey tiri Miché. Cassidy waxay u xaqiijisay Miché inaysan facebook-geeda wax dan ah ka lahayn balse ay dooneyso oo kaliya inay ogaato waqtiga ay dhalatay. Markaas ayey Miché ka jawaabtay su'aashii, waxayna sheegtay inay dhalatay 30 April 1997. Dhowr isbuuc kaddib, Miché waxaa si lama filaan ah xafiiska maamulaha looga yeeray iyadoo ku jirta fasalkeeda xisaabta. Labo qof oo ka socda waaxda arrimaha bulshada ayaa xafiiska ku sugayay. Waxaay Miché looga sheekeeyay qiso ku saabsan gabar saddex cisho dhallaneyd, oo magaceedu ahaa Zephany Nurse, taasoo 17 sano ka hor laga afduubtay isbitaalka Groote Schuur ee magaalada Cape Town, waligeedna aan dib loo helin. Miché way iska dhageysatay qisadii, iyadoo aan fahansaneyn sababta loogu sheegayo. Kaddib shaqaalihii waaxda arrimaha bulshada waxay sharraxaad ka bixiyeen inay caddeymo u hayaan in Miché ay noqon karto ilmahaas la xaday intaasoo sano ka hor. Si ay wax u saxdo, Miché waxay sheegtay inaysan ku dhalanin isbitaalka Groote Schuur - oo ay ku dhalatay isbitaalka Retreat, oo 20 daqiiqo gaari loogu socdo. Sidaas ayey sheegtay inay ku qoran tahay warqaddeeda dhalashada. Laakiin shaqaalihii waaxda arrimaha bulshada waxay u sheegeen inaysan isbitaalkaas ka diiwaan gashaneyn. Iyadoo wali aaminsan in khalad weyn la sameynayo, waxa la sheegayana aysan waxba ka jirin, ayey Miché aqbashay in laga qaado tijaabada dhacaanka hiddasidaha ee DNA-da. ""Waxaan si dhab ah u aaminsanaa in hooyada isoo korsatay aysan waligeed been ii sheegin, gaar ahaan marka ay timaado qofka aan ahay iyo meesha aan kasoo jeedo,"" ayey tiri Miché. ""Sidaas darteed waxaan hubay in natiijada DNA-da ay guul darreysan doonto."" Laakiin xaaladdu ma noqonin sidii ay rajeyneysay. Natiijadii waxay soo baxday maalintii xigtay, waxaana lagu xaqiijiyay in Miché Solomon iyo Zephany Nurse, oo ah ilmihii isbitaalka Groote Schuur laga xaday 1997-kii, ay yihiin hal ruux. ""Halkii ayaan iska fariistay anigoo argagaxsan,"" ayey tiri Miché. ""Nolosheyda oo dhan faraha ayey baxday."" Sheekada ku saabsan in Miché ay tahay ilmihii yaraa ee la xaday ayaa durba qabsatay warbaahinta Koonfur Afrika iyo guud ahaan caalamka, halkaas ayeyna si deg deg ah isugu baddashay nolosheedii oo dhan. Waxaa loo sheegay inaysan ku noqon karin guriga qoyskii soo korsaday - oo ay ku khasban tahay in meel amaan ah la geeyo muddo 3 bilood ah oo ka dhiman inay noqoto 18 jir, markaasoo ay go'aan iskeeda ah ku gaari karto qoyska ay raaceyso. Waxyar kaddib Miché waxaa soo gaaray war naxdin leh. Lavona Solomon, oo ah haweeneydii ay waligeed u heysatay inay tahay hooyadeed, ayaa xabsiga loo taxaabay. ""Arrintaas aad bay ii niyad jabisay, waxaan u baahnaa inaan weydiiyo, 'Sabab? Maxay yihiin waxa dhacaya?' Aad baan ugu wareeray sheekada ku saabsan inay qosy kale i dhaleen,"" ayey tiri. Miché goob joog ayey ahayd markii ay booliska su'aalaha weydiinayeen Michael - oo ah ninka ay waligeed u heysatay inuu aabaheed yahay. Waxaa la baarayay inuu wax ka qorsheeyay afduubka ilamaha yar ee ay xaaskiisa xadday. ""Waan arkayay sida uu u walwalsanaa, waxaan u jeeday indhihiisa oo xinjir dhiig ah u ekaaday, aad baana uga naxay,"" ayey tiri. Booliska markii dambe wax caddeyn ah way u waayeen in Michael Solomon uu wax ka ogaa afduubka gabadha yar, iyo in aan fasax laga soo qaadanin waalidiinteeda. Waana la iska sii daayay. Michael wuxuu sheegay in Lavona ay uur lahayd, uuna u maleynayay in ay gabadha iyada dhashay. Waxaa loo maleynayaa inuu uurkeedii kasoo dilmay kaddibna ay iska dhigi jirtay sidii qof uur leh. Inkastoo Celeste iyo Morne Nurse ay gabadha laga xaday kaddib saddex caruur ah oo akle dhaleen, haddana waligood ma aysan joojinin raadinta curaddooda - xitaa kaddib markii ay isfureen. Sanad kasta waxay dhigi jireen xafladdeeda dhalashada. Laakiin kama aysan war qabin in gabadhooda ay ku koreysay guri aan sidaas uga fogeyn, oo mararka qaar xitaa ay iyadoo ordheysa barxaddooda mari jirtay. Ugu dambeyntii Miché waxay dib ula midowdo waalidiinteeda saxda ah. Intii ay dacwadda socotay oo dhan Lavona Solomon waxay inkirtay inay wax khalad ah sameysay. Hase yeeshee garsooraha wuxuu sheegay in caddeymo badan loo helay dambigeeda. Sanadkii 2016-kii ayaana lagu xukumay 10 sano oo xarig ah. Michael waxay go'aan ku gaartay inaysan ka tagin qoyskii ay kusoo kortay, waligeedna ay u heysatay inay waalidkeeda yihiin. Si joogto ah ayey xabsiga ugu booqataa Lavona, xitaa isagoo masaafe dhan 120km u jira halka ay ku nooshahay. Lix sano ayaa hadda uga dhiman waqtiga xabsiga lagu xukumay. Miché waxay sheegtay inay dharareyso inta uu waqtigaas ka dhammaanayo, iyadoo wali gurigii ay kusoo kortay ku sugeysa inay dib usoo laabato hooyadeed. Hadda iyada lafteeda waa la guursaday, waxayna heysataa labo carruur ah. Arrinta kale ee la yaabka leh waxay tahay in Miché Solomon aysan iska baddalin magacii ay kusoo kortay." https://www.bbc.com/somali/war-52822358 +health Caafimaadka bulshada iyo isticmaalka telefoonnada casriga ah "Sare u kaca taleefoonada casriga ah xilliyada waddada lagu socdo waxay sababeen dhibaatooyin badan oo halis gelin kara nolosha qofka. Dadka isticmaala Taleefoonada gacanta iyaga oo socda waddooyiinka, waxay la kulmaan shilal keeni kara in jirkooda uu dhaawac soo gaaro. Sida ay sheegeen dhaqaatiirta, dhibaatooyiinka sare u kacday waxaa ka mid ah dadka Sanka ka jabay, kuwa ay ilkaha ka daateen iyo waliba dhaawac dhanka maskaxda ah. Dr Boris Paskhover, oo ku taqasusay kabidda iyo hagaajinta lafaha marka ay jabaan oo ka howlgala Iskuulka caafimaadka ee Rutgers New Jersey, ayaa qiray in uu Taleefoonkiisa isticmaalo isaga oo socda, balse waxaa uu nagu baraarujinayaa in aan joojino inaan aad u isticmaalno. Waxaa uu khabiirkani arrintani cilmi baarid ku sameynayay 10-kii sano ee ugu dambeeyay. Dr Boris ayaa sheegaya in dad badan ay u yimaadaan iyaga oo qeyb ka mid ah jirkooda ay jaban tahay; marka la waydiyo waxay sheegaan in ay Teleefoon isticmaalayeen iyaga oo waddada socda. ""Qaar ka mid ah bukaannada ayaan waydiinaa sidee arrintan ku dhacday? waxay inoo sheegeen inay dhacday iyaga oo wadada ku socda in ay taleefoonka isticmaaleen ka dibna ay turunturoodeen oo ay kufeen"", ayuu yiri Dr Boris. Dr Boris ayaa intaa ku daray in cilmi-baarista ay sameeyeen ay muujinayso in sannadkii 1998 illaa 2006-dii ay aad u yareyd tirada dadka ay soo gaartay waxyeelada la xiriirta Teefoonnada gacanta. Balse waxa uu sheegay in tiradaasi ay aad sare ugu kacday laga soo bilaabo 2007-dii ilaa 2009-kii. Sannadba sannadka ka dambeeyana ""sare ayey u sii keceysay"", sida uu sheegay dhakhatarkan. Dr Boris Paskhover, oo ku taqasusay kabidda lafaha marka ay jabaan ayaa sheegay in dhaawacyada dadka soo gaara intooda badan yihiin Sanka, jilbaha iyo qeybaha kale ee jirka. ""Shakhsiyan waxaan arkay dad dhaawacyo ka qaba jilbaha, jirka oo meelo ka dilaaca iyo dhaawacyo anqowga ah iyo xitaa dhaawacyo gudaha ah,"" ayuu yiri Dr Boris. Dr Boris Paskhover ayaa xusay in dadka inta badan iyaga oo taleefoonka ku mashquulsan ay ku dhacaan barkadaha dabaasha, halka qaarka kale ay ku dul dhacaan goobaha la suro wargeysaya lagu iibiyo ee jidadka dhexdooda ah. Dr Boris ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyaro ay u badan yihiin dadka la kulma dhibaatooyiinka iyo dhaawacyada ka yimaada Telefoonada. ""Waxaan ogaanay in da'da u dhaxeysa 13 ilaa 29 jir ay yihiin kuwa ugu badan ee dhaawacyada ka soo gaaraan telefoonada oo ah jiilka ku wanaagsa isticmaalka mobile-ka."" Ku dhowaad afar-meelood, meel ka mid ah dhallinyarada caalamka waxay ku tiirsan yihiin telefoonada casriga ah, taas oo noqotay wax ay qabatimaan, sida lagu ogaaday cilmi baaris ay sameeyeen dhaqaatiir ku taqasustay cilmu-nafsiga. Cilmi barista oo uu hoggaminayay machadka King's College ee London, waxaa lagu sheegay in dabeecadaha qabatinka leh ay sababeen in dhallinta ay ""argagaxaan"" marka laga qaado mobile-ka. Sidoo kale, da'yartan naftooda kama xakameyn karaan waqtiga ay ku bixiyaan isticmaalka telefoonka casriga ah. Dhaqaatiirta waxay ka digayaan in qabatinka noocaas ah uu yeelan karo ""cawaaqib aad u xun"" oo ah in uu dhibaato u geysan karo caafimaadka maskaxda. Cilmi baarista waxaa lagu eegay 41 warbixin oo lagu baaray caafimaadka 42,000 oo dhallinyaro ah. Waxaa la baaray ""dhibaatada ka dhalata isticmaalka telfoonnada casriga ah"". Waxaa la helay in boqolkiiba 23% uu keeno isbedel dabeecadeed oo si joogto ah u soo noqnoqda - waxaa ka mid ah, walwal la xiriira in mar uun telefoonka laga qaado oo ay isticmaali waayaan ama akhrinta farriimaha ay shaqeyn waayaan - kuwaas oo dhibaato ku ah waxyaabihii kale ee dhallintan ay qaban lahaayeen." https://www.bbc.com/somali/war-50792506 +politics Marinka Hormouz: Mareykanka oo gantaallo digniin ku riday doon ay Iran leedahay "Pentagon ayaa sheegay in Markab ka mid ah kuwa ilaaliya badaha Mareykanka inuu gantaallo digniin ah uu ku riday doomo ay leedahay Iraan oo si aad ah ugu soo dhawaaday Markab kuwa dagaalka ah oo marayey marinka Hormouz. Pentagon waxay sheegtay 13 doomood oo kuwa dheereeya ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan iney Isniintii maraakiibta dagaalka Mareykanka ay u soo jirsadeen 140 mitir. Pentagon waxay intaa ku dartay doomihii ciidamada badda Iiraan iney goobti ka tageen kaddib marki 30 gantaal oo digniin ah lagu riday. Dhacdadan ayaa noqoneysaa tii labaad oo muddo laba toddobaad gudahood ah aagga marinka Hormouz ka dhacda. Afhayeenka Pentagon John Kirby doomaha Iran wuxuu ku eedeeyey iney daandaansi kula kaceen maraakiibtooda dagaalka ee marinka Hormouz marayey. ""Waa amni darro, waa mid xirfadda ka baxsan. Ficillada noocan ah dadka kale halis ayey u horseedi karaan, waxayna keeni kartaa xisaab si xun la isugu darsado oo gobolka dhibaato u horseedda taasoon cidna dan u ahayn."" Balse Iiran dhacdadan ugu dambeysay weli kama aysan hadal. Marinka Hormouz, ayaa ah marin ciriiri ah oo ku yaalla gobolka waddamada khaliijka, waana mid ka mid ah marinka ugu muhiimsan ee ay maraakiibta dunida maraan. Waana xuddunta xiisadaha sii kordhaya ee u dhaxeeya Iraan iyo dalalka reer galbeedka oo ay ka mid yihiin Mareykanka sanadihii la soo dhaafay. Ciidamada badda Mareykanka waxay bishii hore sheegeen mid ka mid ah maraakiibtooda iney gantaallo digniin ah ku rideen doomo ay leeyihiin Iiraan oo si aad ah ugu soo dhawaaday Maraakiibtooda xilli ay marayeen waqooyiga badda Pacific. Dhacdada Isniinti ayaa ku soo beegmeysa xilli ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu soo cusbooneysiinayo heshiiskii caalamiga ahaa si looga hortago Iiraan iney sameysato hubka niyuukilarka ah. Mareykanka ayaa heshiiska Niyuukilarka ee caalamiga ahaa ka baxay 2015-kii xilli uu dalka Mareykanka uu madaxweyna ka ahaa madaxweynihi hore Donald Trump. Iiraan dhankeeda waxay sheegtay iney tixgelineyso ku soo laabashada heshiiska haddii madaxweynaha Trump baddalay ee Joe Biden uu meesha ka saaro cunaqabateynada dhaqaale ee saaran Jamhuuriyadda Islaamiga." https://www.bbc.com/somali/war-57067161 +health Muxuu yahay raashinka marka ay hooyada uurka leh cunto ay ilama caloosheeda ku jirta ku qoslaan? Haddii aad ka mid tahay dadka aan jecleyn dhadhanka qaxwada iyo noocyo kale oo raashinka ah, qaar kalena aad dhadhankooda ka heshid, kaligaa ma tihide waa lagula qabaa dareenkaas. Cilmi-baaris cusub ayaa lagu soo bandhigay noocyada raashinka ay ku farxaan iyo kuwa ay ka caroodaan ilmaha ku jira uurka. Daraasad ay dhawaan seynisyahanno ku sugan UK ku sameeyeen 100 haween ah oo uur leh iyo ilmaha calooshooda ku jira ayaa lagu ogaaday in marka ay hooyada xaamilada ah cunto karooto ay ilmaha uurkeeda ku jira ”dhoolla-caddeeyaan” marka ay khudaarta cagaaran cuntana ”aysan ku farxin”. Dumarka ka qeyb qaadanayay daraasadda ayaa la siinayay kiniiniyo ka sameysan karooto budo laga dhigay, halka 35 ka tirsan haweenkaas la siiyay kiniiniyo ay ku jirto budo ka sameysan khudaarta kabashka. Soddon kalena lama siin labada kiniini midna. Kooxda seynisyahannada ah ee daraasaddan soo saaray ayaa waxa ay Majalladda ka faalloota Seyniska Cilmi-nafsiga ku qoreen in 20 daqiiqo kaddib markii hooyooyinka uurka leh la siiyay karootada ay raajooyinka laga qaaday sawirradooda muujiyeen inay ku farxeen, ayna dhoolla-caddeynayeen. Ilmaha ay gaartay saameynta budada khudaarta kabashka ayaan ku farxin dhadhankaas, waxaana sawirradooda wajiga ka muuqatay in ay caroodeen. Sawirrada ayaa lagu qaadayay raajooyinka casriga ah ee loo yaqaanno ”4D ultrasound”. Soddon dumarka uurka leh ah oo aan wax raashin ah la siin ayaan ilmaha calooshooda ku jira lagu arkin wax falcelin ah. Daraasado hore ayaa muujiyay in kala doorashada dookha noocyada raashinka ee aan jecelnahay ay soo billaabato inta aynaan dhalan ka hor; taasoo ku xiran waxyaabaha ay hooyadu cunto, dareereyaasha ku hareereysan ilmaha uurka ku jira ayaana yeelan kara dhadhanno kala duwan. Balse daraasaddan cusub oo lagu fuliyay Jaamacadda Durham ayaa lagu sheegay in hadda ay tahay markii ugu horreysay ee wax laga ogaado fal-celinta la xiriirta raashinka ay hooyadu cunto iyo ilmaha ku jira makaanka. Mid ka mid ah seynisyahannada ka qeyb galay cilmi-baarista, oo lagu magacaabo Nadia Risland, ayaa tiri: “Daraasad hore waxaan ka barannay in raashinka ay ilmaha ku helaan caloosha hooyada uu muhiim u yahay caafimaadka mustaqbalka carruurta iyo bad-qabkooda. Balse ma garaneyno xilliga ay billaabato arrintan. “Tijaabada aan sameynay waxaan, annagoo isticmaaleyna kaniiniyo kaabsol ah, cunto gaarsiinnay carruurta uurka ku jira 32 isbuuc iyo 36 isbuuc, sababtoo ah raashin qaadanashoodu waxay u muuqataa mid aan la fahmi karin.” “Waxaan rabnaa inaan sii wadno cilmi-baaristeenna oo aan ogaanno xogta ku saabsan carruurtan marka ay dhashaan kaddib iyo haddii ay sii xiiseeyaan dhadhanka karootada.” Waxa ay intaas ku sii dartay Nadia Risland: “Waxaan rajeyneynaa in ay dhalashadooda kaddib la qabsadaan cunista khudaarta cagaaran si ay uga helaan caafimaad.” Seynisyahanadda ayaa dhanka kale sheegtay in ay jirto sabab kale oo ay carruurta uurka ku jirta u diidaan dhadhanka kharaar. “Waxaan sidoo kale isla xiriirinnaa dhadhanka kharaar iyo waxyaabaha khatarta ah, waxaana uga fal-celinnaa si degdeg ah, balse maadaama kharaar kasta uusan khatar ahayn waa inaan baranno sidii aan ula qabsan lahayn, annaga iyo carruurteennaba. Cuntooyinka kharaar qaarkood waxay u fiican yihiin caafimaadka.” Nadia Risland waa madaxa qeybta cilmi-baarista carruurta uurka ku jira ee Jaamacadda Durham. Waxa ay BBC-da u sheegtay in “ilmaha uurka ku jira ay muujiyaan jaceylka ay macaanka u qabaan iyagoo 14 isbuuc ku jira caloosha”. https://www.bbc.com/somali/articles/cd1ew095947o +health Mataano sameynaya tijaabo seyniseed oo 10 sano jirkooda ku socota "Muddo 10 sano ah, mataanaha Hugo iyo Ross Turner waxay wadeen tijaabo iyo baaritaan isboorti. ""Qeyb weyn oo ka mid ah shaqadeenna waxay ahayd inaan jirkeenna diyaarinno. Maaddaama aan nahay mataano, waxaan is barbar dhigi karnaa istaraatiijiyadaha kala duwan amaba cuntadeenna isla markaana waxaan ogaan karnaa waxa noo fiican,"" ayuu yiri Hugo. Mataanaha ayaa go'aansaday inay tijaabiyaan nooca cuntada u fiican iyaga. Waxay xitaa ka qeyb galayaan dhowr daraasadood oo ay sameeyeen koox khubarro ah oo ka tirsan waaxda baaritaanka Gemini ee King's College London, UK. ""Waxaan dooneynaa inaan isticmaalo habka mataanaha, si loo tijaabiyo saameynta cuntada oo aan aragno sida shakhsiyaadkaas ay uga falcelinayaan noocyo kala duwan oo cunto ah,"" ayuu yiri bare Tim Spector. Muddo 12 toddobaad ah, walaalaha Turner ayaa la kala fogeeyay: Hugo ayaa bilaabay cunitaanka cunto khudrad laga sameeyay, halka Ross uu sii waday cunidda cunto ku saleysan hilib iyo caano. Labadooduba waxay helayeen isla xaddiga calories maalintiiba waxayna sameynayeen tababar jireed oo isku nooc ah intii ay socotay muddada tijaabada. Hugo ayaa sheegay inuu aad ula dhibtooday la qabsashada jadwalkan cusub. ""Toddobaadyadii ugu horreeyay, waxaan doonayay inaan cuno hilib, caano iyo farmaajo. Cuntadeyduna waxay la xiriirtay khudrad iyo noocyo looska ka tirsan,"" ayuu yiri. ""Dhanka kale, waxaan cunayay cunto aan la warshadeyn, taas oo micnaheedu yahay in heerka sokorta dhiiggeyga ay ahayd mis xasiloon waxaana maalintii oo dhan dareemayay inaan dheregsanahay,"" ayuu yiri. ""Waxaan sidoo kale u muuqday qof tamar badan leh,"" ayuu yiri. Ross ayaa sheegay inuu sidoo kale la kulmayay caqabado. ""Mararka qaar tamar badan baan lahaa mararka qaarna tabar darri ayaan dareemayay,"" ayuu yiri. Bare sare Spector ayaa aaminsan in khibraddan ay sababeyso in faham wanaagsan laga qaato sida uu jirku u qaato cuntada iyo sida uu qof walba uga falceliyo, xitaa haddii ay yihiin labo qof oo mataano ah. Kala duwanaanshahan ayaa sidoo kale lagu arkay mataanaha kale, iyadoo qeyb ka ah daraasadda ay sameeyeen baaraha iyo kooxdiisa kale ee King's College. ""Waxaan rumeys nahay inay suurtogal tahay in mid ka mid ah waxyaabaha hiddo-sidaha aan la xiririn ay sababayaan natiijooyinkan,"" ayuu yiri Spector. Waxa loo yaqaanno intestinal flora, ama gut microbiota, waa nooc tarilyan bakteeriya ah iyo walxo kal eoo ilma qabato ah oo ku nool dheefshiidka door muhiim ahna ka cayaara qeybo badan oo jirkeenna ka mid ah. ""Haddii [walxaha il ma qabatada ah] si fiicna loola tacaalo, waxay soo saari doonaan kumannaan kiimiko ah oo toosinaya qaab dhismeedka jirkeenna,"" ayuu yiri. ""Waxyaabahan kiimikada leh ayaa difaaca jirka ka caawiya inay la dagaallamaan caabuqa ayna gaaraan maskaxda, waxayna naga dhigaan kuwo dheregsan,"" ayuu yiri. Mataanaha ayaa keliya 25-30% isaga mid ah gut flora, sida uu qabo Spector. Taasina waxaa laga yaabaa inay tahay sababta ay si kala duwan uga falceliyaan cuntada. Spector ayaa inoo sheegaya afar tallaabo oo muhiim ah oo lagu joogteynayo isu dheellitirnaanta jirka. ""Tan ugu horreysa waa in la cuno 30 shey oo dhir ka sameysan toddobaadkiiba,"" ayuu ku taliyay. Tan waxay noqon karnaa afar ilaa shan mar oo aad maalintiiba cunto digirta misirta iyo khudaar. Tan labaad, waa muhiim in la doorto dhirta ay ku jiraan maaddooyinka polyphenols, oo cuntooyinkan siiya midabka furan ee ay leeyihiin amaba kharaarka yar ee ku jira,"" ayuu yiri. Cuntooyinkaas waxaa ka mid ah kabeejka midabka purple-ka leh, karootada iyo canabka noocyadiisa (strawberry, raspberry, blueberry), noocyada liinta (lemon, orange, tangerine), noocyada looska,kafeeyga, iyo shukulaatada aan macaanka badan lahayn. Tallaabada saddexaad ee uu soo jeediyay Spector waa cunidda waxyaabaha probiotics-ka. Kuwani waa noocyo cuntada ka mid ah oo wata walxaha il ma qabatada ah ee ka qeyb qaata isu dheelitiridda jirika. Cuntooyinkaas waxaa ka mid ah ciirta. ""Ugu dmabeyn, waa muhiim in in la iska daayo cuntooyinka la warshadeeyay,"" ayuu yiri baraha." https://www.bbc.com/somali/war-59696312 +health Dhaqaatiirta oo ka walaacsan xaaladda caafimad ee boqorad Elizabeth Qasriga Buckingham Palace ee Magaalada London oo war kooban soo saaray ayaa sheegay in caafimadka boqorod Elizabeth ay dhaqaatiirtu walaac ka muujinayaan, iyagoo ku taliyay in howlwadeenadda caafimaadku la socdaan xaaladeeda. Boqoradda oo da’deedu tahay 96 sano jir ayaa dhaqaatiirtu sheegeen in aaney xaaladeedu darneyn. Amiirka Wales, iyo xaaskiisa Duchess of Cornwall – ayaa aaday qasriga Balmoral oo ku yaalla Scotland, halkaas oo ay hadda daggentahay boqoradda. Qaar kale oo ka mid ah Qoyska boqortooyada ayaa gaaray qasriga Balmoral Castle. Raysal wasaaraha Uk, Liz Truss – oo Talaadadii ay magacowday boqoraddu ayaa sheegtay in dalka oo dhan uu si qoto dheer uga  walaacsanyahay warka ku saabsan xaaladda caafimaad ee boqorodda. Arbacadii boqoradda ayaa lagu qasbay in ay baajiso kulan muuqaal ah oo ay la yeellan laheed wasiirada sarsare kadib markii ay dhaqaatiirtu ku taliyeen in ay nasato. https://www.bbc.com/somali/articles/cy67dj0zw23o +entertainment Amitabh Bachchan: Jilaaga caanka ah “Cali Dheere” oo isbitaal loo dhigay fayraska korona "Amitabh Bachchan, oo Soomaalida aflaanta Hindiga daawata ay u yaqaanaan Cali Dheere ayaa laga helay Fayraska Korona sida uu ku sheegay bartiisa Twitter-ka ee ay malaayiinta qof ku taxan yihiin. ""Waxaa la iga helay Covid-19, isbitaal ayaan ku jiraa. Qoyskeyga iyo shaqaalaha ayaa baaritaan lagu sameeyay, natiijadooda ayaana la sugayaa,"" ayuu ku qoray Twitter-kiisa. Wiilkiisa Abhishek, oo isna jilaa ah, ayaa markii dambe sheegay in qudhiisa laga helay cudurka. Bachchan oo 77 jir ah ayaa ka qeyb qaatay 200 oo filim tan iyo markii uu jilaaga noqday 50 sanadood ka hor. Labaduba waxa ay hadda jiifaan isbitalka Nanavati ee magaalada Mumbai, waxaana uu wiilka sheegay in xaaladoodu ay sahlan tahay. Mid kamid ah mas'uuliyiinta isbitaalkaasi ayaa u sheegay wargeyska Indian Express in xaaladda caafimaad ee jilaayaasha ay degan tahay. Amitabh Bachchan ayaa ugu baaqay dhammaan dadkii la kulmay 10-kii maalmood ee la soo dhaafay inay iska baaraan Fayraska. Kumannaan qof ayaa qoraallo duco iyo dhiiragelin ah u diray xidigahaasi caanka ah Bollywood. ""Cali Dheere"" ayaa kusoo caanbaxay aflaam ay kamid yihiin Zanjeer iyo Sholay. Waxa uu ku guulaystay abaalmarinno badan oo ay kamid tahay tan ugu saraysa ee Faransiiska uu siiyo qof rayid ah. Muddo kooban ayuu siyaasi ahaa, waxaana sanadkii 1984-tii loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hindiya. Balse waxa uu xilkaasi iska casilay saddex sano kadib markii uu u qaadan waayay fadeexooyinka musuq-maasuq ee hareeyay xukuumaddii ra'iisal wasaare Rajiv Gandhi. Bilihii u dambeeyay, waxa uu dowr muuqda ku lahaa dedaalka ay dowladda Hindiya kula tacaalayso cudurka Covid-19. Ku dhawaad 821,000 qof ayuu Fayraska Korona ku dhacay dalka Hindiya, waana dalka saddexaad ee ugu kiisaska badan caalamka." https://www.bbc.com/somali/war-53379371 +health "Covid-19: Ninkii sameeyay ""daawadii riyada uu ku arkay ee coronavirus"" oo xanuunka u geeriyooday" "Wadaad u dhashay dalka Sri Lanka oo soo saaray daawo uu ku sheegay in ay dadka ka difaaceyso xanuunka Covid-19 ayaa u geeriyoodya cudurka, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa. Eliyantha White wuxuu xiddigo cayaartoy ah iyo siyaasiyiin sare ku daweeyay daawada uu sameeyay oo uu ku sheegay inuu riyo ku arkay. Wuxuu sheegay in dawadan oo lagu shubo webiyada ay cirirbtiri karto xanuunka safmarka ah ee ka jira Sri Lanka iyo dalka deriska la ah ee Hindiya. NInkan ayaa horraantii bishan la xanuunsaday cdurka waxaana loola cararay isbitaalka, halkaas oo ay xaaladdiisa ka sii dartay. Dawada uu sameeyay waxaa bulshada u soo bandhigay wasiirkii hore ee caafimaadka Sri Lanka, Pavithra Wanniarachchi, oo qudhiisa labo toddobaad Covid u jiifay qeybta daryeelka gaarka ah ee isbitaalka. White ayaa sanadihii la soo dhaafay caan baxay kaddib markii uu cayaartoy Hindiya u dhashay ka daaweeyay cudurka, balse waxaa qaab daaweyntiisa ka soo horjeestay dhaqaatiirta waaweyn ee dalkaas. Sanadkii 2010, cayaartoyga caanka ah ee Sachin Tendulkar ayaa uga mahad celiyay isagoo sheegay inuu wadaadka ka daaweeyay dhaawac jilibka ka soo gaaray. Wuxuu sidoo kale la talin siiyay Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi Mahinda Rajapaksa, oo bartiisa Tiwtter-ka tacsi uga diray wadaadka. ""Xusuustiisu way nagu dhex noolaa doontaa, wuxuu daaweeyay xanuunno badan,"" ayuu yiri Mr Rajapaksa. Sri Lanka waxaa bishii la soo dhaafay saarnaa bandow sababo la xiriira faafitaanka nooca Delta. Dowladda ayaa sheegtay in ilaa 12,000 oo qof ay xanuunka ugu dhinteen dalkaas, iyadoo in ka badan hal milyan oo kalena ay qaadeen fayraska, balse dhaqaatiirta ayaa sheegay in tirada dhimashada ay laba laab intaas ka badan karto." https://www.bbc.com/somali/war-58672763 +health Jaamacadda Oxford oo sheegtay inay mudo gaaban talaal ugu helayso Covid-19 "Saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda Oxford ayaa sheegay in ay soo saari doonaan ugu yaraan hal milyan oo irbadood oo talaal loogu talo galay coronavirus ah bisha Sebtember ee sannadkan. Dawladda Ingiriiska oo mashruucan taageeraysa ayaa sheegtay in ""aanay jirin wax dammaanad"" ahi, isla markaana aanay suurto gal ahayn in muddo loo qabto soo helidda tallaalka. Bukaanka ugu horeeyey ee ka qayb galaya tijaabadaa ay Oxford waddo ayaa la filayaa in tallaalkaa lagu tijaabin doono todobaadka dambe. Hase ahaatee, weli lama ogaan karo wax tarka talaalkaasi yeelanayo. Khuabrada badankoodu waxay weli qiyaasayaan in ay qaadan doonto muddo 12 ilaa 18 bilood ah in la helo tallaal oo soo saarkiisu bilaabmo. Talaalku sidiisaba waxa uu habdhiska difaaca ee jidhka u diyaariyaa sidii uu uga hortagi lahaa in cudur ku dhaqo qofka sida Covid-19 oo kale ah. Haddii dad badan oo dunida ku nooli ay adkaysi u yeeshaan waxay arintaasi coronavirus ka horjoogsan doontaa inuu fido oo in dadku kala fogaadaan na qasab noqon mayso. 'Qalabka neefta siinaya ayaan ka damiyaa si aan ula qaato waqtiga ugu dambeeya noloshooda' Afar arrimood oo ku saabsan xaaladda coronavirus ee Soomaaliya Qiyaastii 80 kooxood oo dunida oo dhan ku kala filiqsan oo ay ku jiraan shirkadaha waaweyn ee dawooyinka sameeyaa, ayaa ku foogan sidii ay talaal u heli lahaayeen qaarkoodna durba waxay marayaan tijaabadii lagu eegi lahaa aadamaha. Cilmi baadhistan dunida ka socotaa aad bay u xawli badan tahay, hawl sannado qaadan lahayd ayaa lagu soo koobay bilo. Saynisyahannada Oxford waxay marka horeba diyaar galow ayay ku jireen in xaalad tan Covid-19 oo kale ahi dhici karto intaanu cudurkani dunida b aka dilaacin. Waxay hore u sameeyeen fayras ka ku dhaca daanyeerada nooc ka mid ah oo hidde sideyaashiisa wax laga bedelay si uu ugu noqdo laf dhabarta talaal cusub. Ka diba waxay isku daraan qayb ka mid ah fayraskan cusub ee coronavirus. Natiijada ay filashada fiican ka qabaan waxa weeyi in uu soo baxo fayras aan wax yeelo lahayn oo handhiska difaaca jidhka bara sida uu ula dagaalami karo Covid-19. Su'aasha weyn ee meesha taal waxa weeyi talaalkan tijaabada ahi wax tar ma yeelan doonaa? Prof Sarah Gilbert, oo ah madaxa khubarada climb baadhista wada ee samaynaysa talaalka, ayaa sheegtay in 80% uu shaqayn doono. ""Aragtidaas ayaa qaban, sababta oo ah tiknoolajiyadan ayaa muddo dheer ku shaqeeyey waxaanay sidoo kale wax ka qabtay hawshii talaalka tijaabada ah loogu sameeyey fayraska Mers [ waa fayras ay isku nooc yihiin coronavirus-ka] oo waxaan ogahay waxa la samayn karo. Waanan rumaysanahay in fursad fiican oo uu wax tar ku yeelan karaa jirto"" ayay tidhi. Cilmi baadheyaashu waxay ku rajo weyn yihiin in talaalkoodaas oo wax tar lihi ku soo bixi doono dhawr bilood gudahood. Laakiin hadii xayiraadda dadka lagu soo rogay ay qudheedu wax tar yeelato waxa dhici karta intaasi saamayn taban ku yeelato maadaama oo tirada dadka coronavirus ku dhacayaa yaraan doonto oo ay keeni doono in ay dheeraato mudada lagu ogaan karo wax tarka talaalku. Waxa socda dooda ku saabsan in ay khatar noqon karto in dadka si badheedha fayraska loogu mudo si natiijo degdeg ah loo helo iyo in kale. Dawladdu waxay saartay guddi u xil saaran ka hortagga coronavirus iyo taageero degdeg ah oo la siiyo sidii loo heli lahaa talaal. Wasiirka ganacsiga, Alok Sharma, ayaa sheegay in samaynta talaalku ""tahay hawl culus"" isla markaana aanay jirin ""damaanad"" ah in la helayaa. ""laakiin dawladdu way taageeraysaa saynisyahannada, waxaanay rajo ka qabtaa in ay helaan fursad ay guul ku gaadhaan"" ayuu yidhi. Waxay dawladdu haatan maal gelinaysaa 21 mashruuc oo cusub oo cilmi baadhis ah waxaanay u heelantahay in hadii talaal la helo farsamayntiisa di degdeg ah xaddi badan loo soo saaro. La taliyaha armaha sayniska ee xukuumadda, Sir Patrick Vallance, oo gudida dawladdu saartay gudoomiye u aha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la garawsado in dalal kale heli karaan tallaalka. Ciimada Nigeria oo dilay tiro ka badan dadka u dhintay coronavirus ""Waa in xaqiiqada la garowsadaa oo ah in mashruuc kastaa fursadda ay haystaa tahay mid aan aad u badnaydn"" ayuu yidhi. Waxaanu intaa ku daray "" sidaa awgeed in kasta oo cid waliba rajo weyn iyadoo qabta hawsha u qalab qaadatay oo aan filayno in laga midho dhalin karo, waa in la goaadaa in ay muhiin tahay la helo talaal wax tar leh"". Hase yeeshee waxay u xidhan tahay waxa ay ka yidhaahdaan saynisyahannada xukuumadda la taliya iyo kuwa hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO in ay maan gal tahay in muddo 12 ilaa 18 bilood ah lagu soo saari karo talaal iyo in kale." https://www.bbc.com/somali/52334881 +politics Mareykanka wuxuu ku baaqay inta aan la billaabin buuxinta biyaha biya xireenka in heshiis la gaaro Mareykanka ayaa sheegay inuu doonayo in heshiis kama dabeys ah laga gaaro wadahadallada seddex geesoodka ee bilooyinka qaatay ee u dhaxeeya Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo ku saabsan biya xidheenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile. Bayaan ay soo saartay wasaaradda maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay wadahadalka biya xidheenka ku saabsan ee horay u soo socday iney ku saleysnaayeen biya xidheenka Itoobiya ay dhisaneyso in loo maareeyo si aan saameyn u geysaneyn waddamada kale uu wabiga sii maro ee Suudaan iyo Masar. Balse Itoobiya looga baahan yahay inta arrinta wabiga heshiis kama dambeys ah laga gaarayo iney bilaabin biya keydinta biya xidheenka ay dhiseyso.. Biya keydintuna wuxuu Mareykanka shuruud uga dhigay heshiiska kama dambeysta ah oo ay seddexda dal oo ay arrinta wabiga quseeysa degdeg ku gaaraan. Mareykanka oo baaqaasi u jeediyey seddexda dal haddana wuxuu si gaar ah uu u ammaanay dalka Masar sida ay diyaarka ugu tahay iney heshiiskaasi qalinka ku duugto. Itoobiya oo shirki ugu dambeeyey ee 27-28 bisha January ka dhacay magaalada Washington ee carriga Mareykanka aan ka qayb gelin ayaa waxay u sababeysay iney weli u dhimman yihiin tashiyo ay guddiga wada xaajoodka u xil saaran arrinta wabiga la sameeynayaan guddiyada farsamada iyo kuwa sharciga. Shirka Washington oo lagu waday in lagu soo gabagabeeyo heshiiska kama dambeys ah oo ay gaaraan seddexda dal waxaa shirkaasi dhexdhexaadiya ka ahaa Mareykanka iyo Bangiga Adduunka. Wuxuuna Mareykanku sheegay inta ay seddexda dal ay ka gaarayaan heshiis kama dambeys ah oo wabiga Nile ku saabsan ka gaarayaan ay sii wadeyso doorkeeda dhexdhexaadineed. Mowqifka Mareykanka uu iska taagay wadaxaajoodka seddex geesoodka ee u dhaxeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan waxaa si weyn uga soo horjeestay muwaaddiniin dalka Itoobiya u dhashay oo ku nool dalka Mareykanka iyaga oo dibad bax ka sameeyey magaalada Washington. Halka ay shacab tira badan oo dalka Masar u dhashayna ay magaalada Qaahira ka sameeyeen isu soo bax ay ku taageerayeen mowqifka Mareykanka uu arrinta wabiga Nile iska taagay ee ah iney Itoobiya keydinta biyaha biya xireenka billaabi karin ilaa heshiis kama dambeys ah la gaaro. Golaha wasiirrada Itoobiya oo mowqifka Itoobiya soo bandhigayna waxay sheegeen ineysan Marnaba aqbali doonin wax kasta oo sameyn u geysan kara ranbitaanka iyo danta ay Itoobiya ka leedahay wabiga Nile iyo biya xidheenka ay ka dhiseyso intaba. https://www.bbc.com/somali/war-51694203 +health Wax cunista seddexda xilli ma dhaqan lala qabsadaybaa mise jirkeenna ayaa u baahan? "Cuntadu ma aha oo keli wax ay dadku si maalinla ah u cunaan oo uu jirku u baahan yahay, waxayna cuntadu muhiimad u leedahay munaasabadaha kala duwan ee ay dadku isugu yimaaddaan sida Aroosyada, Ciidaha, Dhalashooyinka. Waxtarka jireed iyo midka maskaxeed ee ay cuntady qofka u leedahay ka sokoow waxay kaalin mug leh ku leedahay xiriirka bulshada dhexdeeda ka dhaxeeya. Ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee aan cuntooyinka si maalinla ah ugu cunnana waxay kala yihiin inuu jirkeenna tamar iyo xoog inuu ka helo, isl-markaana cuntadu ay xoojiso awoodda difaaca jirka. 'Qofka waxa uu cuno ayaa ka muuqda' Qofka howl maalmeedkiisa si firfircooni leh si uu ugu qabto cudurradana uu isaga difaaco waa inuu cunaa cunta ku filan. Waxaana la isweydiin karaa cuntooyinka isku dheelli tiran ee aan u baahannahay inaan cunno waa kuwee? Cunnooyinka isku dheelli tiran oo noocya kala duwan ka koobmo waxay jirka ka caawineysaa inuu cunnooyinkaasi kala duwan uu ka helo tamarti ama nafaqadi uu u baahnaa. ""Khubarada cilmi baarista ku sameeyey liiska cunnooyinka isku dheelli tiran ee ay soo saaraan wey ku kala duwanaan karaan balse waxay ka siman yihiin in cuntada aan cuneyno ay dhowr nooc ka koobnaato maadaamaa cunta kasta macdin iyo wax ay la gaar tahay ay leedahay,"" ayuu yiri Dr Qaleab Baaye oo Sayniska Cunooyinka ku takhasusay oo wax ka dhiga Jaamacadda Addis Ababa. ""Markasta oo ay bataan noocyada cuntada aan isticmaalno waxaa badanaya fursadda aan ku heli karno cunto isku dheelli tiran oo jirkeenna wax u tarta."" ""Qofka waxa uu cuno ayaa jirkiisa ka muuqdo. Jirkeennana inuu u noqda mid caafimaad qaba wuxuu u baahan yahay ugu yaraan 53 nooc oo macdin ama fiitaminno ah"" ayuu yiri Dr Yihune Ayele oo wax ka dhiga Jaamacadda Dillaa. ""Dunida lagama helo cunto ay macdinta iyo fiitaaminnada jirka uu u baahan yahay oo dhan ay u dhammeystiran yihiin marka inta karaankeenna ah waa inaan cunnoyinkeenna aan ka dhignaa kuwa isku dheelli tiran."" Dr Yihune cuntooyinka nafaqada leh uu ku talinayo iney dadku cunaan balse ay badsan waxaa ka mid hilib khudaar kala duwan lagu dhex kariyey ama khudaar cagaaran oo la socota iyada oo saliidda ama dufankana aad loogu yareynayo. Wuxuuna intaa ku daray Hilibka in laga helo 70% maaddada Iron, halka khudaartana laga helo 17%. Khudaarta, dheefta xoolaha, haruurka kala duwan, miraha kala duwan ee dufanka leh cuntooyinka laga sameeyo ama ay la socdaan ayaa ka mid ah cuntooyinka ugu nafaqada badan. Waxayna cuntooyinkaasi ay ka mid yihiin 10-ka cunto ee ay hay'adaha WHO iyo FAO ay ku dareen liiska cuntooyinka caafimaadka jirka ugu wanaagsan. 'Qofka oo cunto ka dhargo ama maalinta seddex jeer cuno kama dhigno inuu qofka nafaqadi uu jirkiisa uu u baahnaa uu helay,"" ayuu yiri Dr Masresha Tesema oo ka tirsan machadka caafimaadka iyo cunnada ee dalka Itoobiya. WHO waxay ku talisay 10-ka cunto ee ku jira liiska cuntooyinka nafaqada leh ugu yaraan 5 ka mid ah inaan 24-ki saaca aan cunno. Cuntooyinka caafimaadka jirka u wanaagsan ee ay khubaradu ku talinayaan inaan cunno waxaa ka mid ah khudaarta cagaaran, sida salarka, ansalaatada, kaarootka, yaanyada, digirta, ukunta, kalluunka, digaagga, hilibka. Cuntooyinka Karbohaydratka laga helo sida Bariiska, Baastada iyo Burka. Qofkuna waa inuu marweliba maanka ku hayaa cuntooyinka uu cunayo iney yihiin kuwa uu ka helayo Portien, iyo Tamarta. ""Daraasaad dhawaan la sameeyeyna waxaa lagu ogaaday dadka cuntada meel ku wada cuno iney waxtar aad u weyn qofka u leedahay, iyada oo daraasaddu ay ka digtay qofka oo si boobsiis ah cunto u cuno ay caafimaadka u wanaagsaneen,"" ayuu yiri Dr Qalab. Arrinta ku saabsan inta jeer uu maalinti qofku wax cuni karo waxaa ka taagan dood. Hase yeeshee, khubaro cunnooyinka ku takhasusay oo BBC u warramay waxay sheegeen inuu qofku maalinti seddex jeer wax cuno iney muhiimad badan laheen. Balse muhiimaddu ay tahay inuu jirkeenna nafqada uu 24-ka saac uu u baahnaa uu helo. Arrinta ku saabsan inta jeer uu maalinti qofka wax cuni karana waxay la xiriirtaa qofka caafimaadkiisa iyo da'diisa. Carruurtase maalintii inta ay doonaan wax wey cuni karaa maadaamaa jirkooda uu soo korayo balse iyaga laftooda cuntooyinka aan siinno waa iney yihiin kuwa nafaqo leh oo caafimaadkooda bilaya. Waxayna khubaradu hoosta ka xarriiqeen dhaqanka cunta cunka seddexda wakhti ee Qureecda, Qadada iyo Cashada iney tahay arrin ay dadku iskala qabsadeen oo ay jirin wax ku wajibinaya qofka inuu maalinti seddex jeer wax cuno. ""Cuntooyinka jirka uu u baahan yahay waa inaa si maalinla ah u qaadanno, waxaana wanaagsan markasta oo aan gaajo dareenno inaan gaajada jirka ka bi'inno oo aan dhayalsan,"" ayuu yiri Dr Masresha. Ugu dambeyntina qofka cuntada uu 24-ka soconayo nooca ay tahay iyo inta jeer uu cunayaba waxay ku xiran tahay nooca shaqada uu maalinti qabto iyo awoodda dhaqaale uu qofku u leeyahay inuu helo cuntooyin kala nooc ah oo iisu dheelli tiran." https://www.bbc.com/somali/war-60439775 +health Maxaa sabab u ah hoos u dhaca kiisaska Coronavirus ee dalalka Afrika? "Iyadoo dalal ka tirsan Yurub iyo dalka Mareykanku ay la dagaalamayaan tirada ugu sareeysa ee kiisaska fayraska karoona,ayaa haddana dhanka kale dalal badan oo ka tirsan qaaradda Afrika waxaa hoos u dhacay kiisas cudurka . Hoos u dhacaan dalalka Afrika waxaa loo sababeynayaa arrimaha bulshada iyo deegaanka ,waxaana Hay'adda caafimaadka aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ee WHO, ay ku ammaantay dalalka Afrika talaabooyinka xakameynta faafitaanka cudurka ee ay qaadeen . Si kasataba ha noqotee qaar ka mid ah dalalka qaaradda wali waxaa ka jira sare u kac dhanka kiisaska fayraska karoona ah. Sida laga soo xigtay WHO, afartii toddobaad ee la soo dhaafay Afrika,waxaa la diiwaan galiyay 77,147 oo kiis, taas oo ka hooseysa 131,647 oo kiis isla markaana afartii toddobaad ee ka horreeyey la diiwaan galiyay. ""Afrika ma aysan arkin faafitaan saaid ah ee 'Covid-19' oo dad badani ay markii hore cabsi qabeen,"" ayay tiri Dr Matshidiso Moeti, oo ah agaasimaha WHO ee Afrika. ""Hoos u dhaca ku yimid ee aan ku aragnay Afrika labadii bilood ee la soo dhaafay shaki la'aan waa horumar wanaagsan waxayna muunineysaa talaabooyinka adag ah ee caafimaadka bulshada ah ee ay qaadaan dowladaha gobolka oo dhan,"" ayay raacisay hadalkeeda . Warbixin ay soo saartay, WHO ayaa lagu sheegay dhowr waxyaabood oo loo aaneynayo hoos u dhaca kiisaska fayarska karoona ee dalalka Afrika,waxaana ka mid ah cimilada kulul iyo da'yarta oo ku badan qaaradda taas oo gacan ka gaysatay in tirada dhimashada ay yaraato. Ku dhowaad 1.5 milyan oo qof oo ku nool Afrika ayaa la xaqiijiyay inay qaadeen cudurka 'coronavirus' iyadoo ku dhowaad 35,000-na ay u dhinteen. Mareykanka oo ah waddanka uu sida ba'an u saameysey dunida oo dhan ayaa dadka qaaday fayarska waxaa ay gaarayaan dhowaad toddobo milyan oo qof halka dhimashaduna ay gaartay in ka badan 200,000. Walaaca ka jira Afrika ayaa ah tirade dadka laga baaray cudurka waxaana la ogyahay tiro yar oo ka mid ah dalalka Afrika ee sameyay baaritaano wanaagsan. Ururka caafimaadk aduunka ee WHO ayaa ku boorinaya dalalka Afrika in aysan is cajibin oo aaney is dhigin iyadoo dalalka Ivory Coast iyo Cameroon ay wali ka jiraan kor u kac dhanka kiisaska Covid-19 ah ." https://www.bbc.com/somali/war-54304078 +religion Hindiya iyo dalalka Muslimka: Caro ka dhalatay markii la aflagaadeeyay Nebi Muxamed NNKH "Hindiya ayaa lagu qasbay in ay u caddeyso saaxiibbadeeda caalamka Islaamka mowqifkeeda. Tallaabadan ayaa yimid markii ay sii korortay carada ka dhalatay hadallo muran badan dhaliyay oo labo xubnood oo ka tirsan xisbiga talada haya ee dalkaas ay ka sheegeen Nebi Muxamed NNKH. Nupur Sharma, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP), ayaa hadalkan ka sheegay dood telefishin, halka Naveen Jindal, oo ah madaxa warbaahinta ee xisbiga Delhi, uu soo dhigay bartiisa twitter-ka arrintan. Faallooyinkaas - gaar ahaan tan Sharma - waxa ay ka caraysiisay bulshada Muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay ee dalkaas, taasoo keentay mudaaharaadyo goosgoos ah oo ka dhacay gobollada qaar. Labadan masuul ayaa raalligelin guud ka bixiyay, waxaana xisbigu uu shaqadii ka joojiyay Sharma, iyadoo xisbiga laga saaray Jindal. ""Xisbiga BJP wuxuu si adag u cambaaraynayaa aflagaaddada loo gaysto qof kasta iyo diin kasta. BJP wuxuu sidoo kale ka soo horjeedaa fikrad kasta oo lagu aflagaadeynayo ama hoos u dhigaysa koox ama diin. BJP ma dhiirrigelinayo dadkaas ama falsafaddaas,"" ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xisbiga. Laakiin, khubarada ayaa sheegaya in laga yaabo in tallaabadaas ay ku filnaan weyso, maaddaama arrinta oo markii hore ku ekeyd gudaha dalkaas ay weji caalami ah yeelatay. Kuwait, Qadar iyo Iran ayaa Axaddii shalay ahayd u yeeray safiirrada Hindiya si ay u muujiyaan caradooda ka dhanka ah arrintan. Sacuudiga ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas Isniinta maanta ah. Qadar ayaa sheegtay in ay Hindiya ka rajeyneyso raalligelin dadweyne. ""In la oggolaado in hadallada Islaam nacaybka ah ay sii socdaan ciqaab-la'aan, waxay ka dhigan tahay halis weyn oo ku wajahan ilaalinta xuquuqul-insaanka, waxaana laga yaabaa inay horseeddo nacayb iyo takoor hor leh, taas oo abuuri doonta colaad iyo nacayb hor leh,"" ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar. Sacuudiga ayaa sidoo kale falkaan ka muujiya caro adag. ""Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa cambaareysay hadalladii ka soo yeeray afhayeenka xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee Hindiya, ee lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed, naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waxayna mar kale xaqiijinaysaa diidmada joogtada ah ee nacaybka ka dhanka ah ee diinta Islaamka,"" ayaa lagu yiri. Safiirka India u fadhiya Qadar, Deepak Mittal, ayaa sheegay in hadallada ka soo yeeraya qaar ka tirsan 'dadka nacaybka ku xeeldheer' aysan matalin aragtida dowladda Hindiya. Hoggaamiyeyaasha sare ee BJP iyo safiirrada kale ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalka muranka dhaliyay. Balse, dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in laga yaabo in hogaanka sare ee xisbiga iyo xukuumaddu ay ku qasban yihiin inay si cad uga hadlaan arrintan. ""Haddii aan sidaas la yeelin,"" ayay yiraahdeen, ""waxaa halis ah in ay dhaawacdo xiriirka Hindiya ay la leedahay dalalkan."" Ganacsiga Hindiya iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), oo ay ku jiraan Kuwayd, Qadar, Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Cumaan iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuu gaaray 87 bilyan oo doollar sanadihii 2020-21. Malaayiin Hindi ah ayaa ku nool oo ka shaqeysta dalalkan, waxayna malaayiin doollar ku diraan xawaaladaha dalkooda. Raysul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi ayaa tan iyo markii uu xukunka qabtay sanadkii 2014-kii booqasho joogto ah ku tagayay gobolka. Dalku wuxuu horay heshiis ganacsi oo xor ah ula saxiixday Imaaraadka, waxaana uu wadahadallo kula jiraa Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) si uu heshiis ballaaran ula saxiixdo. Modi, waxa uu ka qaybgalay xafladdii dhagax-dhigga macbadkii ugu horreeyay ee Hinduuga ee Abu Dhabi sanadkii 2018, waxaana lagu tilmaamay inay tusaale u tahay xiriirka sii kordhaya ee Hindiya iyo gobolka. Inkastoo xiriirka Delhi iyo Tehran uu ahaa mid diirran dhowrkii sano ee la soo dhaafay, haddana waxaa laga cabsi qabaa in arrintan ay saameyn ku yeelato booqasho wasiirka arrimaha dibadda Iran, Xuseen Caamir uu Hindiya ku tagi lahaa. Waddamada Carabta ayaa sidoo kale doonaya inay qaadaan tallaabo la taaban karo si ay u qaboojiyaan carada ka dhex jirta dadkooda. Ololaha lagu dhaleeceenayo Hindiya ayaa ku soo badanayay dalalkan, dhacdadan ayaana noqotay sheekada ugu sarreysa ee warbaahintooda. Ololeyaasha qaar ayaa lagu soo jeediyay in la qaaddaco badeecadaha Hindiya. Waxaa sidoo kale jira warbixinno sheegaya in qaar ka tirsan dukaamada Qadar iyo Kuweyd ay dejiyaan badeecadaha lagu soo farsameeyay Hindiya ee qaanadaha u saaran." https://www.bbc.com/somali/war-61701628 +religion Sababta ay u soomaan dadka aan Muslimiinta ahayn xilliga Bisha Ramadan "Rehan Jayawickreme oo ah siyaasi da'yar oo matala xisbiga mucaaradka ee ugu caansan Sri Lanka, ayaa 13-kii April ku dhawaaqay arrin la yaab leh. ""Waxaan aaminsanahay diinta 'Budhist' waxaanna isku dayaa in aan ayido falsafada diinteyda ay i fareyso,"" ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka. ""Waxaan si xiiso leh u rajaynayaa walaalahayga Muslimiinta ah in aan la soomo bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxayna ii noqoneysaa marki iigu horreysaye iigu hambalyeeya"". Ninkan ayaa ah guddoomiyaha golaha magaalada Koonfurta Sri Lanka ku taalla ee Weligama. Wuxuu sheegay in tan iyo bilowgii bisha Soon in uu iska gooyay cunnada iyo cabitaanka. Sannadkan, Muslimiinta Sri Lanka ee laga tirada badan yahay waxay billaabeen inay soonkooda sannadlaha ah la soomaan bulshooyinka Sinhala iyo Tamil. Balse shacabka Sri Lanka oo diimo kala duwan aaminsan, ayaa aad uga argagaxay weerar ay mintidiin Muslimiin ah ku qaadeen kaniisad ku taalla dalkaas, laba sana ka hor, ayna ku dileen 270 qof. Siyaasigan aaminsan diinta Budhist wuxuu sheegay in go'aanka uu qaatay ee ah inuu soomo bisha barakeysan ee Ramadaan, uu uga gol leeyahay inuu wax ka bedelo aragtida khaldan ee muslimiinta laga qaatay weerarka kaniisadda loo geystay ka dib. Rehaan Jayawickreme farriinta uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay waxaa ka falceliyay dad aad u badan iyaga oo go'aanka siyaasiga soo dhaweeyey. Dhankiisa wuxuu sheegay in qof aan Muslim ahayn uu soomo bisha Ramadan in uusan isaga uga horreynin oo ay dad badan uga horreeyeen. Marianne David, oo ah wariye ka howlgasha caasimadda Sri Lanka ee Colombo, waxay iyaduna ka dhawaajisay in ay sooman tahay, iyada oo aan muslim ahayn in mudda ah inay Ramadanka soo soomeysay. ""Waxaan aaminsanahay madhabta Katolic, balse bisha Ramadan waan soomaa. Soonkana waxaad ku yeelaneysaa nadaafad, wacyi wanaagsan, damqasho iyo anshax. Nasiib wacan!"" ayey tiri. Anuradha K Herath, oo ah agaasimaha guud ee waaxda arrimaha dibadda ee xafiiska Raa'isal wasaaraha, waxay sheegtay inay iyaduna bisha Ramadhaan Soonto. ""Xilliga aan dhiganayey jaamacadda Moratuwa, waa soomi jiray,"" ayey ku qortay barteeda Twitter-ka. ""Saaxiibtey Sifaan ayaa xilliga suxuurta i toosiso si aan wax u cuno, sidoo kale xilliyada fiidki ee aan casharka jaamacadda ku jiranan waxay ila wadaagi jirtay cuntooyin aan ku afurno. Waxay ila tahay waa waaya aragnimo aad u wanaagsan."" Ka hortagga cunsuriyadda ""Waxay ila tahay, waxaan u soomayo inay tahay sidii aan u muujin lahaa in aan ka soo horjeedo cunsuriyadda qofka diintiisa looga geysto. Balse taa kama dhigno in aan diinta Islaamka qaatay, ficilkaasina waa mid aan cunsuriyadda uga soo horjeedo"", ayuu yiri Rehan Jayawickreme. Wuxuuna BBC u sheegay in Muslimiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalka Sri Lanka, la cunsuriyeeyo wixi ka dambeeyey weerarki lagu qaaday kaniisad ay ku sugnaayeen dad u dabaaldegayay ciidda Easter. Ku dhawaad, boqolkiiba 75% shacabaka ku nool dalka Sri Lanka ayaa haystaan diinta Budhist. Halka tirada soo hartay ay aaminsan yihiin diimaha Islaam, Hindu iyo Catolic. Wariye Marianne David, oo aaminsan diinta Catolic, waxay Ramadanka soo soomeysay 15 sano. Waxayna sheegtay in sababta ay u soo meysay ay ahayd hanashada nafteeda iyo inay ka fakarto waxyaabaha iyada muhiimka u ah. ""Soonka waxaad kaga maarmeysaa cuntada faraha badan ee aad xisaab la'aanta u cuneysay iyo wakhtigi kaaga lumayey. Maalinta oo dhan oo aad sooman tahayna wuxuu ku barayaa anshax iyo akhlaaq wanaagsan in aad yeelato,"" ayey tiri. Waxay sheegtay inay aaminsan tahay inay soonka sidi la rabay ugu hoggaansanto, caafimaad badanna ay ka heshay. ""Maalinti in aad soonto wax badan in aad u hurto uma baahnid, dadka soomanna hab noolaleedka ay doonaan ha ku jiraane ama shaqada ay doonaanba ha qabtaane, waxbadan ayey ka faa'idaystaan,"" ayey tiri. Dunida kale haddii aan eegnana, Badyne Parr oo ah haweeney aan Muslim ahayn oo ku nool dalka Mareykanka waxay soontaa bisha Ramadan. Haweeneydan oo haysata diinta masiixiyadda, aad ayeyna ugu jajaban tahay inay bisha Ramadan soonto, waxaana ku dhiirragelisay haweeney Muslimad ah oo ay saaxibbo yihiin. ""Waa ficil aan midnimo ugu muujineyno saaxibbadeenna muslimka ah ee aan jecel nahay, waana qayb ka mid ah waxyaabaha diinteyda ay i fareyso, mar haddaan Masiixi ahay, waa sababta aan u doortay in aan bisha Ramadan soomo."" ""Wakhti dheer ayaa ka soo wareegtay, ku dhawaad toddoba sano ayaan soomaa, waxaanna raacaa shuruucda soonka u yaalla, waan suxuurtaa, xilliga afurkana waan afuraa,"" ayey tiri. Sri Lanka haddii aan dib ugu laabanno, Marianne David waxay hoosta ka xarriiqday in ""Ramadanka uusan ahayn oo keli ah mid anshax wanaagsan laga barto, balse wuxuu wataa wakhti cajiib oo ah aad kula kulanto shaqsiyadda aad jeceshahay"". Laakiin Rehan Jayawickreme, iskudayga cusub ee uu ku soomayay uma ahayn mid sahlan. ""Waxaan toosaa 4-ta subaxnimo, xilliga suxuurta, waxaanna ku suxuurtaa timir, iyo caano-garoor. Illaa laga gaaraya 6:30 galabnima wax ma cuno,"" ayuu yiri mar uu BBC-da la hadlay. Wuxuu sheegay in khibrada cusub ay ka dhigtay inuu dareemo xaalad cusub, dhamaadka maalinta, laakiin sidoo kale wuxuu lahaa shaki ku saabsan inuu soomi karo bisha oo dhan. ""Waan sii wadi doonaa illaa inta aan kari karo,"" ayuu yidhi siyaasiga Buddhist-ga ah. Laakiin si naxariis leh ayuu ku yiri, ""Way adag tahay in aanad biyo cabin maalintii oo dhan""." https://www.bbc.com/somali/war-56884123 +sports Manchester City oo heshay fursad u horseeday kaalin muhiim ah Kooxda kubadda cagta ee Manchester City ayaa ka faa'ideystay barbardhaca dhexmaray Man United iyo Liverpool iyadoo kaalinta labaad ku soo gashay guul muhiim ah oo ay xalay ka gaartay kooxda Crystal Palace oo ku soo booqatay garoonkeeda Etihad Stadium. Man City oo guushan ay uga dhigan tahay tii shanaad oo xiriir ah oo kulamada Permier League-ga iyo tii 15-aad dhamaan kulamada ayaa waxaa goolka koowaad u dhaliyey John Stones halka kan labaad qaybtii labaad u saxiixay Ilkay Gundogan. City ayaa waxaa guusha u xaqiijiyey gool labaadna u dhaliyey daafaca reer England John Stones. Dhicana kale Tottenham ayaa iyana guul muhiim ah ku talaabsatay ka dib markii ay 3-1 ku xasuuqday kooxda daalaa dhacaysa ee Sheffeild United oo ay marti ugu ahayd hoygeeda Bramall lane. Ciyaaryahannda Jose Mourinho ayaa waxaa gooldhalinta u bilaabay ciyaaryahanka daafaca ka ciyaara ee Serge Aurier shan daqiiqo oo qura markii ay ciyaartu socotay, waxaana mid labaad ku daray Hary Kane oo goolkaasi uu ahaa kiisii 12-aad ee xili ciyaareedkan uu ku dhaliyo horyaalka Ingiriiska. Inkastoo Sheffiled United guuldaro dhabarka loo saaray haddana waxaa goolka kaliya ee ay dhaliyeen u saxiixay David McGoldrick, waxaase saddex ka dhigay goolasha Tottenham Tanguy Ndombele . Guusha Tottenham xalay gaartay waxay ka macno tahay in markii ugu horeysay tan iyo 1975-tii ay ku badisay garoonka Sheffeild iyadoo soo afjartay 7 kulan oo aanay ku badin. https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-55696968 +religion Qoys 'dhaxal u heystay' imaamka masaajid caan ah oo maxkamad la geynayo "Masjidka Jaamica ee magalaada Delhi ee dalka Hindiya oo haatan noqday astaanta dhaqanka iyo diinta ee gobolka, waxaa la dhisay xilliggii boqortooyadii Shah Jahan intii u dhexeysay sanadihii 1850-1856. Boqorkan Mughal waxa uu imaamka masjidkan u magacaabay caalimkii Bukhara, Syed Abdul Ghafoor Shah Bukhari. Imaamka masaajidkan ee hadda jooga ee Sayed Axmed Bukhaari ayaa isna ka soo jeeda qoyskan, dhammaan imaamyada halkan jooga waxa loo magacaabay masaajidka jiil ilaa jiil kale, waxayna kasoo jeedaan qoyskan. Laakiin markii ugu horreysay, qof ka tirsan dadka deegaanka ayaa ka hor yimid qoyska imaamyada ka ah masaajidkan, wuxuu arrinta geeyay maxkamad. Ninkan oo kamid ah dadka deegaanka ayaa lagu magacaabaa Sohail Khan, wuxuuna warqad codsi ah u gudbiyay maxkamadda sare ee Delhi, waxaana warqadda ku qoran; ""Ma jirto meel imaam-nimada ay noqoto dhaxaltooyo marka la eegayo mabaadii'da qofka u oggolaanayo in qofka uu masaajid ka noqdo"". Isagoo la hadlayay BBC-da, Sohail Khan wuxuu yiri, ""Imam Sahib wuxuu yiri Shah Jahan wuxuu ugu yeeray aabbayaasheen iyo awoowayaasheen imaamnimada, hadda Shah Jahan boqor ma ahan, magacyadiisii iyo qoyska oo dhan way baxeen, laakiin waxaa la yaab leh Mullah oo uu magacaabay Boqor Shah Jahan ayaa wali ka sii shaqeeya halkaas, waxa uu noqday nin ka weyn Boqor Shah Jahan"". Waxaan ku iri; ""Saldanadii meesha ayay ka baxday, Ingiriiskuna wuu ka baxay gobolka, laakiin weli ma dhammaan muddadii aad xilka heyseen, iyadoo taas la eegayo, codsigeygu wuxuu yahay in guddi loo saaro, ciddii loo arko inay ku habboon tahay imaamnimadana ha laga dhigo Imaam"". Suhail Khan, oo ah ninka dacwadda ka gudbiyay imaamka masaajidka wuxuu deggan yahay Old Delhi, waana xubin hormuud ka ah xisbiga BJP ee dalka Hindiya. Wuxuu ku eedeeyay ""Imaamka masaajidka Delhi ee hadda wax walba oo la xiriira masaajidka iyo deegaanka wuxuu u adeegsadaa sida hantidiisa gaarka ah, isaga oo madax ka ah, masaajidkan taariikhiga ah masaajidka wuxuu halis ugu jiraa burbur."" Ninkan deggan magaalada Delhi ayaa ku andacoonaya in uu muddo dheer la socday dhamaan arimaha ku saabsan masjidka Delhi sida uu sheegay imaamku waa in uu noqdaa qof qarii ah ama xaafid Qur'aanka ah ama qof caalim ah oo aqoon u leh imaam-nimada. Masjid jaamiciga Delhi waa qaddiimi ah oo caan ka ah caalamka, sidaa darteed sheegashada dadka deegaanka gaar ahaan inay maamulaan ayaa noqotay arrin xasaasi ah. Kadib dacwadda laga gudbiyay arrintani, maxkamadda Delhi waxay ka codsatay guddi la magacaabay inay eegaan magacaabista Imaamka masjid jaamica Delhi. Xubin ka tirsan guddigan oo lagu magacaabo Wajia Shafiiq oo la hadashay BBC-da ayaa sheegtay, ""Mawqifka guddiga la magacaabay, waa in magacaabista imaamyada aysan noqon kuwo dhaxal ah, balse la eego dhinacyada iyo arrimaha khuseeya Masjidka Jaamica"". Wajiya Shafiq ayaa sheegtay in Maxkamaddu ay go'aan kasta ka qaadan doonto arinta, balse waxaa xaqiiqo ah in arrintan ay hadda noqotay dhaqan bulshada dhexdeeda laga aqbalay iyo guud ahaan arrin soo jireen ah. Arrinta haatan soo ifbaxeysa ayaa inta badan ku saleysan dadka ku dhaqan agagaarka masjid jaamica Delhi ay si isku mid ah u taageersan yihiin qaabka loo dooranayo imaamyada, waxaana sida ay sheegeen qoyska Imaamka waqtigan ee Seyd Axmed Bukhaari ay qarniyo badan ka arriminayeen masjidka. Wajiya Shafiq waxay tiri, ""Imaamka haatan joogo ma ahan oo kaliya ah imaam balse waa astaanta dhaqanka, diinta iyo bulshada Delhi qaddiimiga aheyd"". Masjid Jaamica Delhi, waxa uu door muhiim ah ku lahaa siyaasadda Hindiya dhowrkii sano ee la soo dhaafay, imaamka hadda jira waxa uu kaalin ka qaataa siyaasadda iyo sidoo kale imaamnimada, waxa uu qeyb muhiim ah ka yahay siyaasadda la xiriirta Muslimiinta Hindiya iyo xisbiyada siyaasadda. Guddiga loo magacaabay inay kiiskan baaritaan ku sameeyaan oo ku nool magaalada Delhi ayaa baaritaanka u gudbiyay maxkamadda, waxaana dacwadda xigta ee la xiriirta kiiskan la dhageysan doonaa 8-da Febraayo." https://www.bbc.com/somali/articles/crg9x5nrkpeo +sports Wax ka ogow ciyaartoyda Faransiiska ugu waaweyn ee ka soo jeeda qoysas qaxooti ahaa Xulka qaranka ee Faransiiska ayaa marka kale iska xaadiriyay ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Addduunka, waxay berri la dheelayaan kooxda Argentina ee uu horkaco kabtan Lionel Messi. Waa markii afaraad ay Faraniiska u gudbaan wareegga kam dambeysta toddobadii koob adduun ee ugu dambeysay-ma jiro xul kale oo gaaray heerkan ay gaareen Faransiiska. Faransiiska waxay koobkii ugu horreeyay adduunka ku guuleysteen sanadkii 1998-waxay markaa ka badiyeen xulkii Brazil, ninka haatan tababaraha ka ah xulka oo xilliggaas Descamps, sidoo kale kaptan ahaa ayaa koobka kula guuleystay. Sanadkii 2006-dii uu xulka Faransiiska kaptan ka ahaa  Zinedine Zidane, ayaa waxaa ciyaartiii kama dambeysta waxaa ka badiyay xulka Talyaaniga. Faransiiska wuxuu ka guuleystay Croatia kadib ciyaar kama dambeysta koobkiii adduunka sanadkii 2018-kii. Waa in aad is waydiisaa sida koox aan waligood ku guulaysan koobka adduunka ka hor 1998 ay ugu suurta gashay in ay u soo baxaan afar fiinaal oo koobka aduunka ah oo ay ku guulaysteen laba koob adduun muddo 24 sano ku dhow.\nJawaabta su'aashan waxay ku jirtaa taariikhda xulka Faransiiska iyo isbaddalka ku yimid qarnigii 20aad. Faransiisku run ahaantii waxa uu ahaa quwad gumaysi, boqortooyaddiisa waxay horraan gaartay 64 wadan oo kala duwan oo ku kala yaalla Afrika, Aasiya iyo Waqooyiga Ameerika. Muddo ka dib, dalalkaasi waxay noqdeen kuwo madaxbannaan oo ay ka mid yihiin Morocco waxay xornimada ka qaadatay Faransiiska 1956, Cameroon 1960 iyo Algeria 1962. Xilliggaas, qoysas badan oo kasoo jeeday Afrika iyo dalal kale ayaa u hayaamay dhinaca Faransiiska si ay shaqo u helaan ama waxay ku tageen Faransiiska qaab addoonsi ah. Gaar ahaan Afrika kubbadda cagta waxay aheyd mid caan ah, waxaana lagu tirin jiray ciyaaraha ay dheelaan dadka saboolka ah ama ka tirsan dabaqadda bulshada ee shaqeysa. Muddo kadib, qaxootigii tagay Faransiiska waxay fursado kala duwan ka heleen naadiyada kubadda cagta. Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada midigta-fog ee Faransiiska ayaa had iyo jeer lahaa aragtiyo adag oo ku ka dhan ahaa qaxootiga, La Pen, oo ah hoggaamiyihii muddada dheer ee xisbiga Front National Front ee Faransiiska, uu ugu yeeray xulka Faransiiska 'mid macmal ah' 1990-meeyadii sababtoo ah xulka waxaa kasoo muuqday tiro yar oo ciyaartooy ahaa oo caddaan ahaa. Waxa uu sidoo kale sheegay in xulka Faransiiska aysan awood u laheyn inay dalka ku matalaan ciyaartoy aan xitaa aqoonin heesta calanka. Kylian Mbappé Waa weeryahanka xulka Faransiiska, wuxuuna kamid yahay xiddigaha ugu wanaagsan adduunka, isagoo 19 jir ah wuxuu kamid ahaa ciyaartooydii Faransiiska u qaadday koobkii adduunka 2018-kii. Waa nin wacdaro ka dhigay garoomada kubadda cagta gaar ahaan gool dhalinta iyo xawaaraha uu kubadda ku eryado, waxaana lala barbardhigaa Messi iyo Zidane. Waxay qoyskiisa kasoo jeedaan dalka Algeria. Ousmane Dembele Ousmane Dembele wuxuu xulka qaranka Faransiiska uga dheelaa garab, wuxuuna wacdaro ka dhigay Koobkan adduunkan. Dembele hooyadii waxay kasoo jeeddaa dalka Senegal halka aabbihii uu ka yimid Mali. Halka waaliddiinta ciyaartoyda kala ah Benzema iyo Pogba ay kaga kala soo jeedaa dalalka Algeria iyo Guinea. Aurélien Tchouaméni Aurélien Tchouaméni oo ah daafac khadka dhexe uga dheela kooxda Real Madrid ee ka dhisan Spain iyo xulka qaranka Faransiiska, waxay qoyskiisa kasoo jeedaan dalka Cameroon. Marcus Thuram Marcus Taurum waa wiil uu dhalay Lillian Thuram, oo ahaa ciyaarta caan ah oo ka mid ahaa ciyaartooydii Faransiiska u qaaday Koobkii Adduunka 1998, Marcus Taurum wuxuu xulka qaranka Faransiiska uga ciyaaraa garabka bidix. https://www.bbc.com/somali/articles/c8v1358jq1mo +entertainment Atariisho caan ah oo gacmaha iska gubtay iyadoo filim jileysa "Atariishada caanka ah ee reer Hindiya ee lagu magacaabo Shweta Tiwari, oo dhawaan kasoo muuqatay musalsalka Mere Dad ki Dulhan, ayaa gacmaha ka gubatay iyadoo duubeysa mid ka mid ah xalaqooyinka filimkaas. Atooraha la yiraahdo Fahmaan Khan iyo Shweta ayaa isku dayayay inay dib u sameeyaan qeyb ku jirtay filimkii ""Jab We met"", balse shil lama filaan ah oo dhacay ayaa sababay inay atariishada si run run ah gacmaha uga gubato. Fahmaan, oo filimkan ku matalaya magaca Randeep, ayaa soo jeediyay in qeybta jilliinka lagu daro ""gabadha oo illowday waqtigii ay saaxiibkeed la ballansaneyd, saacaddiina la gaaray, sidaas darteedna ay matasho inuu ka gubto saariga iyo garbasaarka ay u xiratay ballanta). Hase yeeshee jilayaasha ayaa aad ula dhacsanaa qeybta filimka ay dib ugu celinayeen, iyadoo sidaas uu shilku ku dhacay xilli aysan ku baraarugsaneyn. Mar qura ayuu dabkii si lama filaan ah u qabsaday daaha, markaas kaddibna Shweta oo isku dayeysa inay holaca damiso ayaa halkaas gacmaha uga gubatay. Markii duubista qeybtaas lasoo gaba gabeeyay, ayuu Fahmaan yiri; ""Aad bay u xiiso badneyd inaan muuqaalka ballanta waqtigeeda la illoobay la jilo marwo Shweta . Xoogaa wuxuu noo lahaa walwal. Laakiin qeybta murugada ka ah waa inay si run ah gacmaha uga gubatay iyadoo isku dayeysa inay dabka damiso"". Wargeyska Hindustan Times oo ka mid ah warbaahinta shaacisay sheekadan ayaa sheegay inuu la xiriiray Shweta, laakiin ay wax jawaab ah uga soo celin weysay su'aalihii ku saabsanaa dhacdadaas. Filimka musalsalka ah ee Mere Dad Ki Dulhan ayaa telefishinka Sony ka baxa maalmaha Isniinta ilaa Jimcada." https://www.bbc.com/somali/war-51861350 +politics Ma isku day afgambi ayaa ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida? "Dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa beenisay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya oo sheegayay in isku day afgmi lagu sameeyay xukuumadda dowladd deegaanka kaas oo ay mas'uliyiinta dowladda deegaanka ku eedeysay ururro argagaxiso. Wasiirka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Cabdulqaadir Rashiid Ducaale oo warkan BBC-du wax ka waydiisay ayaa ku tilmaamay mid aan jirin isaga oo intaa raaciyay in qaar ka mid ah warbaahintu ay si khaldan wax u dhigeen. Wuxuu sheegay in warbaahinta deegaanka ama mas'uul ka tirsan maamulka deegaanka aanu ka soo bixin war la xiriira isku day afgambi. Cabdulqaadir Rashiid ayaase sheegay in xubno horey uga tirsanaa xisbiga barwaaqo ay isku dayeen in deegaanka ay ka abuuraan nabadgalyo daarro ayna xukuumaddu arrintaa ka hortagtay oo waliba la sameeyay wacyi galin. ""Wax afgambi ah ma jirin maalmahaan sidaan la soconno shaqsiyaad ka mid ahaa qayb ka mid ah xisbiga xubno xibiga horey uga tirsanaan jiray oo mas'uuliyiin hore ahaan jiray oo xilalkoodii ka tagay ayaa is abaabulay waxayna ku talagaleen in deegaanka ay nabad galyo darro ka abuureen,""ayuu yiri Cabdulqaadir Rashiid wasiirka xafiiska warfaafinta. Arrintaan ayaa imaanaysa iyaoo kala aragti duwanaan ay ka dhex jirtay dhawaanahana xisbiga talada deeegaanka Soomaalida haya ee Barwaaqo .Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga ayaa ku eedeyay xisbiga inuu ka weeecday waddadii loogu tala galay isla markaana ay iyagu doonayaan in ay saxaan khaladaadka xisbiga dhexdiisa ka jira. Xubnahaan sheegay inay waxa saxayaan oo doonayay dhawaan in ay kulan ku yeeeshaan magaalada Jigjiga ayaa waxaa la sheegay in ciidamada ammaanku kala direen.Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook 13-kii bishaan ku sheegay in buuqqa siyaasadeed ee la abuurayo uu yahay mid ujeeddo laga leeyahay.Qayb ka mid ah qoraalkiisa ayaa sidaan u dhignaa;- ""Buuqa siyaasadeed ee maalmahan la furayaa waa mid ujeeddadiisu caddahay xidhiidhna aan la lahayn arimaha lagu af gabaadsanayo. Marka waxaa haboon in aan wakhti lagu lumin ka jawaabidda waxyaalaha lugta lagu sii dhufanayo sida abaarta iyo xorriyadda siyaasadda oo ay shacabka u taal inay iyagu aaraa ka dhiibtaan sida wax yihiin, balse laga jawaabo eedeeymaha tooska ah iyo ujeeddooyinka ka dambeeya"". Madaxweynaha oo u muuqday in qoraalkiisa uu kaga jawaabayay dhaliil kaga timid siyaasiin lana xiriirtay qaabka ay xukuumaddu ugu diyaar garowday gurmadka abaaraha ka jira deegaanka ayaa sheegay inay sameeyeen ka xukuumad ahaan dadaal badan waxaana uu yiri: "". Masuuliyiin hore oo ka hadlay abaaraha waxay sheegeen in diyaar-garoowgu hooseeyay iyagoo aan wax caddayn ah raacin. Haddaba maadama xukuumadu in ka badan 200 oo Ceel qoday, calaf beertay, kii ay beertay ku shan jeer ka badanna ama soo iibisay ama bilaash deegaano kale kaga heshay, anaga calaf nalagama iibsan ma noqon karto diyaar-garoow hooseeya. Haddana waxaa haboon in masuuliyiintii hore wixii ay calaf hayaan ay dadka bilaash ku siiyaan hadii ay u danqanayaan""." https://www.bbc.com/somali/war-42659281 +health Nin marka uu hurdayo sameeya wax uusan sameyn karin isagoo soo jeeda "Sida caadiga ah, maskaxda bani'aadanka way howlgabtaa marka uu qofku seexdo, laakiin sheekada ku saabsan ninkan marka uu hurdo ay maskaxdiisa shaqeyso ayaa noqotay mid lagu jahwareersan yahay. Lee Hadwin, oo u dhashay dalka Ingiriiska, markii uu afar sano jiray wuxuu ku feegaari jiray darbiyada. Taasi waa wax caadi ah oo aan layaab lahayn, laakiin isagu sidaas wuu ka duwanaa. Marka uu feegaarkaas sameynayo isagoo 4 jir ah waxay ahayd xilli uu hurdo, taasoo dad badan ay u arkaan arrin mucjiso ah. Markii uu sii weynaaday, Lee wuxuu sii bartay inuu wax la fahmi karo sawiro, ilaa markii dambe uu noqday farshaxamiiste xirfaddiisu sarreyso. Balse waxa layaabka leh ayaa ah in Lee uu farshaxamiiste yahay marka uu hurdo oo kaliya, hase yeeshee, marka uu soo jeedo uusan waxaas sameyn karin. Isagoo 15 sano jira ayuu gacantiisa ku xardhay saddex sawir oo muujinaya atariishadii reer Mareykan ee lagu magacaabi jiray Marylin Monroe, laakiin waxay ahayd mar uu hurdo ku jiray, markii uu soo kacayna waxba kama uusan xasuusan karin sidii uu u sameeyay farshaxankaas quruxda badan. ""Waagii hore habeen saq dhexe intaan soo istaago ayaan si aan loo meel dayin darbiyada ugu feegaari jiray laakiin markii aan 15 jirsaday ayuu feegaarkeygii noqday farshaxan sax ah"", ayuu yidhi Lee. Ninkan wax fikrad ah kama heysto sida ay waxaasoo dhan u dhacayaan, waa looga sheekeeyaa uun, wixii uu xardhayna waxaa la tusaa marka uu hurdada ka kaco. ""Run ahaantii, waxa kaliya oo aan ogahay waa inaanan xirfad farshaxan lahayn marka aan soo jeedo, xitaa markii aan iskuulka dhiganayay ma jeclaan jirin maadooyinka farshaxanka, sidaas darteed waxay ila tahay in arrintan ay tahay mid layaab leh. In qofku isagoo hurda uu socdo ama isagoo hurda uu hadlo waa wax horay loo arki jiray meelo bandanna ka dhaca, laakiin qof hurda oo farshaxan sameynaya lama arki jirin. Maxaa lagu tilmaami karaa qof marka uu soo jeedo xirfad uusan lahayn ay kusoo dagto marka uu hurdo? Barfasoor Penny Lewis oo ka tirsan jaamacadda Cardiff ayaa sharraxaad ka bixineysa: ""In qofku isagoo hurda uu socdo waxaa sabab u noqota maskaxdiisa oo xilliga hurdada aan si isku dheeli tiran howsha u joojinin, waxay ila tahay isla arrintaas ayaa sharraxaad u noqon karta xaaladda xaaladda Lee""." https://www.bbc.com/somali/war-49048944 +religion Nebi Muxamed: Putin ma Hindiya ayuu farrriin u diray kaddib aflagaaddadii Rasuulka (NNKH)? "Waddamada Muslimka ah ayaa si adag uga soo horjeestay hadalladii muranka dhaliyay ee afhayeenkii hore ee xisbiga BJP Nupur Sharma ee ku saabsanaa Nebi Muxamed NNKH, sida lagu baahiyay baraha bulshada, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay hadalladii muranka dhaliyay ee loo jeediyay Nabi Muxamed ee dowladda Hindiya. Hadalka Putin ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay si weyn ugu faafay baraha bulshada ee Hindiya iyo dalalka Carabta kaddib markii Putin oo la talinayay Hindiya isagoo ku guda jira shirkiisii ​​jaraa'id ee sanadlaha ahaa yiri, ""Aflagaadada Nabi Muxamed waxay ku xad-gudbeysaa xorriyadda diinta taas oo dhaawacday shucuurtii muqaddaska ahayd ee dadka Islaamka."" Falcelinta hadalka laga soo xigtay Putin ayaa aad ugu baahday baraha bulshada gaar ahaan barta Twitter oo in ka badan 50 kun oo jeer la wadaagay gaar ahaan Hindiya iyo dalalka Carabta. Isla sawirka hoose waxaa ku yaal bayaan ku saabsan Nebi Maxamed iyo Islaamka oo la soo xiganaya madaxweyne Putin, kaasoo dadka isticmaalay qaarkood ay ku sheegayaan sida Putin uu uga hadlay Hindiya. Sida ay sheegtay warbaahintu, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa shirkiisii ​​jaraa'id ee sanadlaha ahaa ee 23-kii December ee sanadkii hore, waxa uu ku sheegay hadal la xiriira kaartuunkii Charlie Hebdo ee Faransiiska ee muranka dhaliyay. Waxa uu yiri: ""Marnaba qayb kama aha xeerka xornimada hadalka ee qof walba uu u heysto inuu fikirkiisa cabbiri karo."" ""Aflagaaddada ka dhanka ah Nabiga waxay meel uga dhaceysaa xorriyadda diimaha, waxayna ku xadgudbeysaa dareenka dadka heysta diinta Islaamka,"" ayuu yiri Putin, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS. Madaxweyne Putin ayaa carrabka ku adkeeyay in ficillada noocaas oo kale ah ay kicinayaan aargoosiga kooxo xagjir ah, sida weerarkii lagu qaaday Majalladda Charlie Hebdo ee magaalada Paris kaddib markii ay daabacday sawirro kartoon ah oo lagu dhaawacayo sharafta Nabiga (NNKH). Shacabka Ruushka ayuu ku boorriyay in ay dhammaantood isku tixgeliyaan dhaqamada iyo diimaha ay kala heystaan, isagoo intaas ku daray in waddankiisa uu yahay mid ku dhisan ""dhaqamo aad u kala duwan"" oo aan la mid ahayn dalalka kale ee caalamka. Hase yeeshee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaan weli wax falcelin ah ka bixin khilaafka u dhexeeya Nupur Sharma iyo dalalka Islaamka ee ku qotoma Nebi Maxamed NNKH. Sawirkii hore ee Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan iyo Putin Sawirka Putin iyo Boqorka Sacuudiga Salmaan oo haatan aad loogu wadaagayo baraha bulshada, ayaa marka la isticmaalo barnaamijka Google-ka ee dib-u-eegista sawirka ayaa muujinaya in sawirka uu yahay sanadkii 2019 markaasoo Madaxweynaha Ruushka uu booqday Sacuudiga. Baaritaanka BBC-da, waxaan ku helnay sawirka ku baahay baraha bulshada iyo sheegashadiisa mid marin habaabin ah. Dalalka Imaaraadka, Cumaan, Indonesia, Ciraaq, Maldives, Urdun, Liibiya iyo Baxrayn ayaa ku biiray liiska sii kordhaya ee dalalka caalamka Islaamka ee cambaareeyay hadalkaas. Horay hadalkaas waxaa u cambaareeyay Kuwait, Iran iyo Qadar waxayna u yeereen safiirrada Hindiya caradooda ka dhanka ah arrintan darteed. Sacuudiga ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas Isniintii la soo dhaafay. Diblomaasiyiinta Hindiya ayaa isku dayay inay dejiyaan dalalkan - waxay xiriir saaxiibtinimo la wadaagtaa intooda badan dalalkan - laakiin duufaantu waa mid aad uga fog intaas. Nupur Sharma, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP), ayaa hadalkan ka sheegay dood telefishin, halka Naveen Jindal, oo ah madaxa warbaahinta ee xisbiga Delhi, uu arrintan soo dhigay bartiisa Twitter. Faallooyinkaas - gaar ahaan tii M Sharma - waxa ay ka caraysiisay bulshada Muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay ee dalkaas, taasoo keentay mudaaharaadyo goosgoos ah oo ka dhacay gobollada qaar. Labadan masuul ayaa raaligelin guud ka bixiyay, wuxuu xisbigu shaqadii ka joojiyay Sharmaa." https://www.bbc.com/somali/war-61728121 +religion Sida uu u dhacay weerar loo geystay masjid ku yaalla Minnesota Booliska magaaladda Minneapolis ee waddanka Mareykanka ayaa baaraya dhac iyo burburin loo geeystay dhismaha masjidka Towfiiq ee ku yaalla koonfurta magaaladaasi. Bulshada Muslimiinta ah ee gobolka Minnesota ayaa wajahaya weeraro aan hore loo arag oo ka dhan ah masaajidda. Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz oo ka hadlayay weerraradaasi ugu dambeeyay ayaa bartiisa Twiter-ka waxa uu soo dhigay farriin uu ku sheegayo in dadka gobolka Minnesota ay taageersan yihiin Muslimiinta. “Toddobaadkan, waxaa si xun loo burburiyay masjidka Tawfiiq ee Minneapolis, waxaana laga xaday kumanaan doolar oo masjidka loogu deeqay.” Wuxuu intaa ku daray in tallaabadan looga gollahaa in lagu kala qeybiyo bulshada. “Shacabka waxay garab taagan yihiin isla markaana ka go’an inay taageeraan walaalaheen Muslimiinta ah, ma aqbaleyno naceyb,” ayuu yiri barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz. Weriye Siyaad Saciid Saalax oo booqday masjidka ayaa wuxuu halkaa kusoo arkay burburka albaabada iyo khasnadaha lacagta sadaqada lagu uruuriyo. Khasaaraha gaaray masjidka ayaa lagu qiyaasay ilaa 50,000 oo doolar. Lacagtan ayaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay loo uruuriyay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool gobolka Oromada ee Itoobiya. Muuqaal ay duubeen kameerooyinka CCTV-da ayaa muujinaya burburka soo gaaray masjidka Tawfiiq. Axmed Cali Muuse oo ah madaxa dhalinyarada masjidka Tawfiq ayaa BBC u sheegay in qofka dhaca geystay uu buburiyay albaabka masaajidka ka hor inta uusan lacagta dhicin. “Markii uu soo galay masjidka wuxuu adeegsanayay bud weyn oo uu ku jebiyay albaabka” “Waxaan hadda u cabsaneynaa carruuta dugsiga ka dhigata xarunta iyo waalidiinta, waa su’aal ay isweydinayaan bulshada, qofka waxaan sameeyay wuxuu geystay dambi naceyb ah,” ayuu yiri Axmed. Madaxa hay’adda Cair ee difaacda xuquuqda Muslimiinta qaybteeda Minnesota, Jaylaani Xuseyn ayaa BBC u sheegay in dhacdooyin noocan oo kale ah ay horey uga dhaceen halkaas. “Minnesota hadda waxay noqotay meelaha Mareykanka ay ugu badan yihiin masaajidda la galayo sida aan hadda aragnay, sanadkan afar dhacdooyin baa dhacay, afar masaajid baa la galay.” “Waxaa loo baahan yahay sidii looga hortagi lahaa arrintan oo wax looga qaban lahaa, masaajidda waa inay adkeeyaan amnigooda. Sodoo kale waa in hay’adaha nabadsugidda ay shaqo badan ka qabtaan,” ayuu yiri Jaylaani Xuseyn. https://www.bbc.com/somali/articles/c727dxnxp7vo +politics Maxaa isku xidhay palm oil iyo xiisadda Kashmir? "Wax soo saarka saliidda Palm oil ee dalka Malaysia ayaa si lama filaana waxa u saameeyey muran dalkaa iyo India ay isku maandhaafeen arinta Kashmir. Xidhiidhka labada dal wuu murugsanaa tan iyo dabayaaqadii Sebtember markii Ra'isal Wasaare Mahathir Mohamed yidhi India waxa ay ""ku duushay oo qabsatay"" gobolkaa ku yaal buuraleyda Himilaya. Waa markii ay Delhi laashay sharcigii ismaamul hoosaadka qaybta ay maamusho ee Kashmir horaantii bishii Ogost, sidoo kale na la saaray xayiraadda isgaadhsiinta iyo culays kale oo saaran mudo afar bilood iyo dheeraad ah. Daraasaadka rooxaanta: Jaamacad Hindiya ku taal ayaa dhakhaatiirta u bilaabaysa India: Dumarka quruxda u tartamaya maxaa isku wada ekaysiiyey! Hadalkaa ra'isal wasaaruhu kama degin Delhi waxaanay India joojisay ganacsigii weynaa ee labada dal u dhexeeyey ee ay saliidaa kagala soo degi jirtay waxaanay shacabka ku tirtirsiday in aanay iibsan saliida palm oil ee ay Malaysia soo saarto si ""ay u muujiyaan in ay dalkooda u hiilinayaan"", arintaas oo Mahathir ku sheegay ""in ay tahay dagaal ganacsi"". Palm oil waa waxa ugu badan wax soo saarka beeraha ee ay Malaysia dibada u dhoofiso. Dunida oo dhanna aad baa looga isticmaalaa oo waxa loo adeegsadaa karinta cuntada iyo sidoo kale shidaalka bio-fuel-ka la yidhaa, iyo xitaa xamuuradda afka la marsado. India waa dalka koobaad ee ugu isticmaalka badan dunida saliida cuntada waxaanu sannadkii la soo degaa sagaal milyan iyo dheeraad tan oo palm oil ah oo badankeedu uga timaad Indonesia iyo Malaysia. Intii u dhaxaysay Jeeniweri ilaa Oktoobar 2019 India waxay ahayd dalka koobaad ee palm oil ka iibsada Malaysia waxaanay sida xogta rasmiga ah ee waaxda ganacsiga Malaysia muujinaysay loo dhoofiyey 4 milyan oo tan. Laakiin hadalkii Mahathir ka dib, ayaa agaasimaha fulinta ee iskaashatada saliidda India ee la yidhaa Solvent Extractors' Association of India, BV Mehta, sheegay in ay iskaashatadoodu u wareegtay Indonesia oo ay intii muddo ah aanay ka iibsanayn waxba Malaysia. Daaci Zakir Naik oo laga mamnuucay in uu wacdi ka jeediyo Malaysia Danjiraha India u fadhiya Malaysia, Mridul Kumar, ayaa se beeniyey in ay qaadaceen palm oil-ka Malaysia ""waa iskaashatada ee ma aha xukuumadda India"" ayuu yidhi. Laakiin safiirkii hore ee India u fadhiyi jiray Malaysia Vishnu Prakash ayaa sheegay in ""dalkii India daan daansadaa aanu lib kala tagayn India"". Mahathir Mohamed waxa uu bishii Sebtember u sheegay Qaramada Midoobay in ""iyada oo uu jiro qaraar Qaramada Midoobay ka soo saartay arinta Jammu iyo Kashmir uu hadana dalkaasi ku duulay oo qabsaday gobolkaas"". ""Way jiri karaan sababo go'aankan loo cuskaday laakiin waa khaldanyihiin. Dhibaatada waa in lagu xaliyaa si nabad ah. India waa in ay Pakistan iska kaashadaan sidii dhibtan loo xalin lahaa. Laakiin in dhegaha laga furaysto Qaramada Midoobay waxay keeni kartaa in arintaa la caadaysto oo Qaramada Midoobay iyo sharcigba la tix gelin waayo"" ayuu ku yidhi khudbaddii uu jeediyey. India ayaa ku gacan saydhay hadlkaa Mahathir waxaanay tidhi ""xaqiijo kuma salaysna"" waxaana isla markiiba ay warbaahintu bilowday in ay odorosto in xukuumaddu ka fiirsanayso tallaabo ciqaab ah oo ay arintaa kaga fal celiso. Ka dib ayaa waxa soo baxay war qoraal ah oo ay soo saartay iskaashatada Solvent Extractors' Association of India, waxaana lagu yidhi ""iyadoo aad dantiina eegaysaan sidoo kalena taageero u muujinaysaan qarankiina, waxa haboon in aynaan wakhti xaadirkan Malaysia waxba ka soo iibsan"". Boqolaal kun oo beeralay reer Malaysia ah ayaa noloshoodu ku tiirsan tahay wax soo saarka palm oil, waxaanay xukuumaddu qirtay in go'aankaa iskaashatada reer India ''dhaawac weyn noqday"". Waxa iyaguna sidaa la qaba khubarada arimaha ganacsiga lafa gura. ""Hadii ay arintu noqoto qaadacaad rasmi ah, Malaysia saamayn taban bay ku yeelan doontaa mustaqbalka dhaw"" ayuu yidhi James Chin. Waxaanu intaa ku daray ""laakiin waa inta ay xukuumadda Malaysia suuq cusub u helayso oo saamayntaasi waxay noqon doontaa mid kooban oo aan culays weyn oo siyaasadeed yeelan doonin"". Waana sababtaa waxa ay haatan Malaysia u raadinayso dalal Afrikaan ah oo ka iibsan kara palm oil, si ay u yarayso saamaynta uu yeelan karo suuqa India ee ka xidhmay iyo ka dalalka Midowga Yurub oo sheeay in ay damacsanyihiin in ay joojiyaan palm oil-ka loo adeegsado bio-fuel ahaanta sannadka 2030." https://www.bbc.com/somali/50990929 +technology Maxay tahay sababta ay Hindiya u mamnuucday TikTok? "Dowladda Hindiya ayaa dalkeeda ka mamnuucday isticmaalka aaladda TikTok iyo barnaamijyo kale oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaas oo ay sheegtay in ay khatar ku yihiin dalkeeda. War qoraal ah oo ka soo baxay Hindiya ayaa lagu sheegay ""in barnaamijyadaas ay khatar ku yihiin madaxbanaanida dhuleed, sumcadda iyo ammaanka dalka Hindiya"". Guud ahaan waxaa dalkaas laga mamnuucay 59 barnaamij ama App, waxaana kamid ah Wechat. Arrintan ayaa waxay daba joogta xiisadda sii xureysa ee u dhaxeysa labada dal, kuwaas oo isku haya muran dhanka xuduudda. Labada dal ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay xuduudda ay wadaagaan, gaar ahaan deegaanka Ladakh. Isku dhac dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay 20 askari oo Hindi ah. Muuqaalo dayax gacmeed lagu qaaday oo la arkay ayaa waxay muujinayaa in Shiinaha uu dhismayaal horleh ka dhisay deegaano xadka ah. Wasiirka warfaafinta ee Hindiya, ayaa sheegay in sababta ay u mamnuucayaan isticmaalka barnaamijyadaas ay tahay dacwo uga timid meela kala duwan. Dadkaas ayuu wasiirka sheegay in xogtooda khaaska ah loo dhacay iyadoo aanan wax oggolaansha ah la weydiinin. ""Waa arrin si dhab ah u taabaneysa madaxbanaanida dalkeena, waana arrin walaaceeda leh oo u baahan in si degdeg wax looga qabto,""ayuu yiri wasiirka. TikTok oo xaruuntiisa ay tahay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa caan ka noqday gudaha dalkaas, kahor inta uusan ku baahin dalalka kale ee caalamka. Dalka ugu badan ee aadka looga isticmaalo TikTok ayaa ah dalka Hindiya, waxaana adeegsada dad lagu qiyaasay 120 milyan oo qof. Shirkaddan ayaa lagu eedeeyay in ay xiriir toos la leedahay dowladda Shiinaha, xogta khaaska ah ee dadka isticmaalana ay u gudbiso dowladda. Dalalka aadka u dhaliila waxaa kamid ah Mareykanka oo qaar kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee dalkaas ay ku baaqeen in baaritaan lagu sameeyo TikTok. Liiska barnaamijyada laga mamnuucay dalka Hindiya waxaa sidoo kale kamid ah kuwa lagu dheelo barnamaijyada ciyaaraha." https://www.bbc.com/somali/53231387 +health War farxad leh oo ku saabsan hab cusub oo loo daweyn karo cudurka kansarka "Nooc cusub oo daweynta xanuunka kansarka ah oo loo adeegsaday hal fayras oo qofka lagu durayo si loo burburiyo unugyada uu saameeyay cudurka ayaa laga muujiyay rajo aad u wanaagsan. Tijaabo hordhac ah oo lagu sameeyay bani’aadamka ayaa horseedi karta guul taariikhi ah, sida ay sheegeen seynisyahannada UK. Bukaan qabay kansar oo ka mid ahaa dadka tijaabada lagu sameeyay ayaa laga waayay cudurka, halka kuwo kalena ay saameynta aad uga yaraatay. Daawadu waa fayras ka mid ah noocyada hargabka oo la daciifiyay, kaasoo dib loogu farsameeyay si uu u dilo unugyada kansarka. Daraasado kale oo ka waaweyn tan, kana waqti dheer ayaa loo baahnaan doonaa, balse khubarradu waxa ay sheegeen in cirbaddan ay ugu dambeyn horseedi karto rajo nololeed oo ay yeeshaan dadka uu heerka xun ku gaaray kansarka. Krzysztof Wojkowski, oo ah 39 jir kasoo jeeda galbeedka London, waxa uu ka mid yahay bukaannada ka qeyb qaatay wejiga hore ee tijaabada, oo uu sameeyay Machadka Cilmi-baarista Kansarka ee ""Royal Marsden NHS Foundation Trust”. Sanadkii 2017 ayaa laga helay kansarka oo uga dhacay murugyada calyada abuura ee u dhow afka. Inkastoo xilligaas lagu sameeyay qalliin iyo daweyn kale, kansarkiisu wuu sii fiday. ”Waxaa la ii sheegay in aanan heysan wax fursad ah, waxaana qaadanayay dawooyinka gabogabada nolosha. Waxay ahayd xaalad naxdin badan, sidaas darteed fursad ayaan u arkayay inaan ka qeyb qaato tijaabada,” ayuu yiri. Waqti yar ayuu qaadanayay dawada kansarka ee laga sameeyay fayraska dhaliya hargabka dhuunta xanuunjiya - waxayna u muuqataa in daawadaas ay meesha ka saartay kansarkii hayay. ”Cirbado ayaan qaadanayay labo isbuuc oo walba kaddib waxayna ii socdeen shan isbuuc oo ay ku baabi’iyeen kansarkeyga. Hadda waxaan kansarka xor ka ahay muddo labo sano ah.” Cirbadaha waxaa si toos ah loogu durayay burooyinka kansarka, waxayna xanuunka u weerarayeen labo qaab – habka koowaad oo ah inay gudaha u galaan unugyada kansarka iyo iyagoo unugyadaas qarxinayay, iyo habka labaad oo ah inay nooleynayeen unugyada difaaca. Qiyaastii 40 qof ayaa ka qeyb qaatay tijaabada daweynta kansarka. Dadka qaar waxaa la siiyay cirbadaha oo lagu magacaabo RP2, oo kaligood ah. Qaar kalena waxaa lala siinayay nooc ka mid ah daawooyinka kale ee kansarka oo loo yaqaanno ”nivolumab”. Natiijada soo baxday oo lagu soo bandhigay shir ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa muujisay: Saameynta kale ee ka dhalatay, sida daal, ayaa si guud u ahayd mid aad weyneyd. Barfasoor Kevin Harrington, oo hoggaaminayay cilmi-baarista ayaa BBC-da u sheegay in natiijada laga arkay daaweynta ay ahayd mid ""si dhab ah loogu farxo” oo laga helay noocyo kala duwan oo kansarka heerarka sare ah, sida nooca ku dhaca cunno-mareenka iyo nooca dhifka ah ee ku dhaca indhaha. ”Waa arrin dhif ah in la arko natiijo noocaas ah oo kasoo baxda tijaabo caafimaad oo hordhac ah, waxaana ka qeyb qaatay bukaanno uu cudurka heerka ugu sarreeya ku gaaray, kuwaasoo daweyntii u socotay ay joogsatay,” ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/articles/c72e50kn2n0o +politics Ukraine iyo Ruushka: Mareykanka iyo Poland oo isku khilaafsan go'aan la xiriira Ukraine "Dowlaha Mareykanka iyo Poland ayaa si adag isugu khilaafsan fulinta codsi ay jeedisay dowladda Ukraine oo ku saabsan in loo geeyo diyaaradaha dagaalka ee noocoodu yahay MiG-29 - ee lagu sameeyay Ruushka. Xukuumadda Warsaw ayaa oggolaatay in diyaaradahaas ay Ukraine usii mariso saldhigga militeriga Mareykanka ee ku yaalla Jarmalka, hase ahaatee Aqalka Cad ayaa ku gacan seyray tallaabadaas. Washington ayaa sheegtay arrintaas iyo oggolaanshaha yabooha aan lagala taashanin markii horeba. Victoria Nuland, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden, ayaa sheegtay in ficilka Poland ahaa mid ""lama filaan"" ku noqday iyaga. Qorshaha Mareykanka ayaa ahaa in diyaaradahan Ukraine loo mariyo waddanka xadka la wadaaga ee Poland, tiradana la badiyo. Bayaan kasoo baxay Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaanno Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in dalabka Poland la diiday, sababtuna ay tahay inuu go'aanku yahay mid ""aan la fulin karin"". John Kirby, oo ah la taliyaha dhinaca arrimaha dadweynaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa bayaanka ku yidhi: ""Taasi waxay ka dhigan tahay in ay ka duulayaan saldhigga Mareykanka iyo Nato ay ku leeyihiin Jarmalka, sidaasna ku galaan hawada Ukraine oo ah meesha uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah Ruushka. ""Kicitaankoodu waxa uu khatar weyn ku keenayaa waddamada xubnaha ka ah isbahaysiga Nato."" Mr Kirby ayaa sidoo kale bayaanka ku sheegay in ay sii wadi doonaan wadashaqeynta ay la leeyihiin dowladda Poland, ayna xal u heli doonaan dhibaatooyinka farsamo ee hadda jira. Brandon Kearney, oo ah falanqeeye ku xeel dheer xiriirka militeriga ayaa BBC-da u sheegay in xalka ugu wanaagsan uu yahay in duuliyeyaasha Ukraine ay u tallaabaan dhinaca Poland kaddibna soo qaataan diyaaradaha. Saraakiisha Taliska ciidamada cirka ee hoos taga Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa ka fikiraya qaababka ugu wanaagsan ee diyaaradaha noocoodu yahay MiG 29-ka looga qaadi lahaa Poland kaddibna loo geyn lahaa Ukraine. Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters, saraakiisha Pentagon-ka ayaa qiimeynaya in Aqalka Cad uu go'aanka ugu habboon ka qaato diyaaradaha la isku khilaafsan yahay, loona aqbalo in ay noqdaan kuwo kaalmo militeri ah oo Mareykanku uu bixiyo. Taas waxay ka dhigan tahay in diyaarado uu Mareykanku sameeyay loo diro Ukraine. Balse khubaradu waxay sheegayaan in xitaa haddii diyaaradahan loo aqoonsado kaalmo militeri aysan caddeyn sababta uu Mareykanku u siin karo Ukraine. Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka waxaa u yaalla shuruuc xaddideysa bixinta qalabka militeri ee lagu sameeyay Mareykanka, maadaama laga baqayo in ay halis ku keenaan amniga qaranka Mareykanka. Hase yeeshee wali waxaa laga fakarayaa in qaabkaas xitaa deeqda militeri lagu fasaxo. Shuruuc la mid ah kuwaas ayaa sidoo kale loo baahan yahay in la maro, sida ay khubaradu sheegeen. Aqalka Cad wali wax sharraxaad ah kama uusan bixinin qaababka ay suuragalka tahay in loo maro tallaabadan. Wariyaha BBC-da ee ku sugan Warsaw, Adam Easton, ayaa sheegay in dowladda Poland ay joojisay howsha ku aaddan in diyaaradahan si toos ah ay u geyso Ukraine, iyadoo ka baqeysa in Ruushka uu ka falceliyo. Waxaa la aaminsan yahay in xukuumadda Moscow ay tallaabada noocaas ah u arki karto weerar toos loogu qaaday iyada. Saraakiisha Poland ayaa sheegay in dhankooda ay doonayaan oo kaliya in tallaabo kasta oo militeri ay ku qaadaan iyagoo ku socda magaca isbahaysiga Nato. Waxay u muuqataa in Poland ay kubadda dib ugu celisay Washington, si ay eedda uga fogaato." https://www.bbc.com/somali/war-60678609 +technology Sawirrada oo la qaaday 25-31 bisha October 2019 Sawirradan xulka waxaa laga soo uruuriyey qaaradda Afrika qaybaheeda kala duwan: Sawirradan waxaa soo uruuriyey Reuters, Getty Images, Nur Photo, SOPA Images iyo AFP. https://www.bbc.com/somali/war-50284707 +sports Sadio Mane oo sharraxay sababta ay hooyadiis 'u neceb tahay Kubadda Cagta' "Ciyaartoyga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee horyaalka Ingiriiska, Sadio Mane, ayaa BBC-da uga warramay sababta ay hooyadiis ""u necebtahay Kubadda Cagta"" iyo arrimo uusan horay uga warqabin oo ku saabsan horyaalka Premier League-ga. Mane ayaa sheegay inuusan waligiis horay u ogeyn in kooxda ku guuleysata horyaalka Ingiriiska ay ciyaartoydeedana si shakhsi shakhsi ah u helaan billado dahab ah. Arrintan ayaa noqotay mid ay aad ula yaabeen qaar ka mid ah dadka ka faallooda arrimaha ciyaaraha. Liverpool ayaa hadda 22 dhibcood oo nadiif ah ku hoggaamineysa tartanka horyaalka Premier League-ga, waxayna ku socotaa waddadii ay ugu guuleysan lahay markii ugu horreysay muddo 30 sano gudaheed ah. Laakiin Mane ayaa sheegay inuusan wax dan ah ka lahayn billadda dahabka ah ee uu heli karo haddii kooxdiisu ay qaaddo horyaalka sanadkan. ""Shalay uun ayaan maqlay in haddii aan horyaalka hananno aan sidoo kale heli doonno billado"", ayuu yiri Mane oo la hadlayay BBC-da. Mane ayaa sanadkii hore kooxdiisa kaalinta labaad kula dhammeystay tartanka koobka Premier League-ga, kaasoo ay ka qaadatay kooxda Manchester City. Sadio Mane ayaa kooxda uu leyliyo Jurgen Klopp ku biiray sanadkii 2016-kii, isagoo uga soo wareegay kooxda Southampton. Laacibkan weerarka ka ciyaara ayaa sheegay inuu aad u farxi lahaa haddii macallinka u dhashay dalka Jarmalka taallo looga dhiso garoonka Anfield, ee ay ku ciyaarto kooxda Liverpool. ""Waan hubaa inaan u mideysnaan doonno guul kasta oo aan gaarno, sababtoo ah waa tababare aad u wanaagsan, kooxdana horumar weyn ayuu gaarsiiyay"", ayuu yiri Mane. ""Aad buu saaxiib ula yahay ciyaartoydiisa, taasina waa mid ka mid ah awoodisiisa guusha horseeda"", ayuu kusii daray. Ciyaartoygan oo ku guuleystay abaalmarinta ciyaartoyga ugu wanaagsan Qaaradda Afrika ee sanadkii 2019-ka, ayaa ku dhashay kuna barbaaray tuulo yar oo ku taalla waddanka Senegal, wuxuuna sheegay in noloshii uu kusoo koray ay ahayd ""mid adag"", laakiin uusan waligiis ka niyad jabin inuu ku riyoodo nolol wanaagsan iyo sidii uu ku noqon lahaa ciyaartoy xirfad leh. ""Haddii aad eegto meesha aan ka imid, waa tuulo aad u yar, oo wax badan ka fog caasimadda Dakar, runtii aad bay nolosha noogu adkeyd, laakiin waa iska adduunyo, waana khasab inaad hammi fiican yeelatid, oo aad ku fikirtid inaan maalin uun heer sare gaari doontid"", ayuu yiri. Inkastoo uu hadda ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican caalamka, Mane wuxuu sheegay in hooyadiis ay ""waligeedba necbeyd ciyaatya Kubadda Cagta"". Waxay u arki jirtay inay tahay ""wax wakhtiga lagu lumiyo oo aan faa'iido lahayn"". Sidoo kale adeerkiis ayaa sida hooyadiis oo kale ""u necbaa Kubadda"". ""Waligood ma aysan dooneynin inaan ciyaaro Kubadda Cagta, sidaas awgeed waxaan kusoo jiyaari jiray iskuulka iyo meelo kale oo aan kula dhuuman jiray, balse ugu dambeyn guul ayaan gaaray, waana u caddeeyay in fikraddooda ay khaldaneyd"", ayuu yiri Sadio. Ciyaartogan ayaa sidoo kale gacan weyn siiya dadka saboolka ah, isagoo mashaariic kala duwan ka fuliyay dalkiisa, gaar ahaan deegaanka uu kasoo jeedo. Tan iyo markii uu noqday ciyaartoy caalami ah, Mane wuxuu bixiyay lacago fara badan oo dalkiisa Senegal looga dhisay isbitaallo, laakiin ma jecla in lagu amaano howlaha samafalka ah ee uu sameeyo. ""Ma doonayo inaan ka hadlo arrimaha noocan ah, waxay ila tahay in dadkaas ay baahi u qabaan dhaqaalahaas, anigana waxaan sameeyaa wixii karaangeyga ah"", ayuu yiri. Wixii ka dambeeyay markii uu Sadio Mane ku biiray kooxda Liverpool, ""qof kasta oo reer Senegal ah wuxuu taageeraa kooxda Liverpool"", dadkiisuna waxay ku faanaan horumarka uu ku tallaabsaday." https://www.bbc.com/somali/war-51677270 +religion """Waxaan hadda Imaam ka ahay Misaajidkii aan mar doonayay in aan ku xasuuqo Muslimiin badan""" "Qisada Richard McKinney oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka ayaa soo jiidatay dad badan oo caalamka ku nool, kuwaas oo aad ula dhacay qaabka uu isu badelay fikirkiisa iyo noolasha ninkan. Richard McKinney oo horay uga tirsanaa ciidanka gaarka ah ee Mareykanka ee loo yaqaano Marines-ka, kana soo dagaalamay bariga dhexe ayaa dagaaladii uu soo galay waxa ay ku dhalisay in uu naceyb u qaado dadka heysta diinta Islaamka. ""Waxaa jirkeyga ka buuxay naceybka aan u qabo diinta Islaamka, waxaan necbaa waxwalba oo la xiriira Islaamka, waxaan sidoo kale necbaa qofka aaminsan diinta Islaamka, waxaana aaminsanaa in diinta islaamka ay lamid tahay cudurka kansarka, dhibaatana ku tahay dunida"", ayuu yiri Richard oo ka shekeenayay marxaladii u soo maray iyo waxa uu ka aaminsanaa diinta Islaamka. Richard isagoo 25 sano jir ayaa lagu qasbay in uu ka fariisto ciidamada Mareykanka, maadaama uu kusoo dhaawacmay dalka Ciraaq oo uu ka dagaalamayay, oo waxaa uu sidaas ku noqday hawlgab. Cadowgiisa koowaad waxaa uu xiligaas u arkayay in ay tahay diinta islaamka, waxaana ku dhashay go'aan ah sidii uu uga aargoosan lahaa dadka heysta diinta islaamka. Markii uu dib ugu laabtay Magaalada Muncie ee gobolka Indiana ee dalka Mareykanka oo ah halka ay ku nool yihiin isaga iyo qoyskiisa, waxaa uu go'aansaday in uu waxyeeleeo dadka heysta diinta Islaamka iyo xarumaha ay ku cibaadeystaan, maadaama xiligaas ay ku weyneyd Islaam naceybka, waxaana uu qorsheeyay in uu qarxiyo Misaajiid ay ku tukadaan dad badan oo kunool Magaalada Muncie. Madaama uu Richard ahaa ciidan, waxa uu farsameeyay qarax uu doonayay in uu ku weeraro Misaajidka, halkaas oo ay maalin walba ku tukadaan dad gaaraya 200 qof oo isugu jira caruur, haween iyo rag. Markii uu sidaas qorsheeyay ayaa hadana waxaa uu ka baqay in la ogaado, kadibna la xiro, waxaana uu hakiyay qorshihii uu damacsanaa. Richard ayaa BBC-da u sheegay in intii uu ku guda jiray qorshahaas ay ogatay gabadh yar oo uu dhalay, taas oo iskoolka ay saxaiibo ku yihiin arday Muslimiin ah. Gabadhiisa ayaa kula talisay in uu joojiyo weerarka uu doonayo in uu ku qaado Muslimiinta, waxaana hadalka gabadhiisa ay keentay in uu badelo maskaxdiisa, oo waxaa uu go'aansaday in uu aado Misaajidka, kadibna uu la kulmo Muslimiinta, go'aankaas oo badelay noolashiisi ku saleysneyd Islaam naceybka. Markii uu tegay Misaajidka waxaa uu la kulmay Maxamed Sabih oo ah nin Islaam ah, kana soo jeeda dalka Afghanistan, waxaana uu ka dalbaday in uu doonayo in uu ogaado diinta Islaamka waxa ay tahay. Maxamed ayaa markii uu arkay ninkan waxaa uu gacanta ka saaray nuqul ka mid ah Qur'aanka Kariimka, oo waxaa uu ku yiri ""Orod oo soo akhriso, kadibna iisoo laabo, oo I weydii wixii su'aal ah ee aad qabto"". Xaaskiisa ayuu sidoo kale sheegay in ay gacan ka geysatay sidii uu uga wantoobi lahaa qorshaha uu doonayay in uu ku laayo laba boqol oo Muslimiin ah, waxaana uu sheegay in marwalba ay ku dhihi jirtay: ""Dadka waxay isugu jiraan kuwa wanaagsan iyo kuwa xun, waxaana laga yaabaa in aad aragtay kuwa xun ee Muslimiinta ee falkan haku degdegin"". McKinney ayaa markii uu soo akhriyay Qur'aanka waxaa uu sheegay in uu soo ogaaday in dhamaan waxyaabaha ay daliishadaan kooxaha Islaamiga ee jihaad doonka ah aysan waxba ka jirin, sidoo kalena uu yaqiinsaday waxyaaba badan oo lagu dhaliilo diinta Islaamka, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin. Waxaa kale oo uu sheegay in wixii inta ka dambeeyay uu go'aansaday in wakhti badan ku bixiyo Kitaabka Qur'aanka, si uu wax uga fahmo waxa ku qoran, arritaas oo uu sheegay in ay ka caawisay in uu waxbadan ka fahmo diinta Islaamka iyo waxa ay fareyso. Barnaamijka BBC-da ee Heart and soul oo warbixin dheer ka diyaariyay ninka ayaa waxaa u u sheegay in faham dheer kadib uu qaatay diinta Islaamka, tallaabadaas na ay badeshay noolashiisa. Richard waxaa uu haatan hogaamiye iyo wadaad ka yahay isla Misaajidkii uu doonayay in uu qarxiyo laba sano kahor, waxaana qisadiisa ay soo jiidatay dad badan oo caalamka ku nool." https://www.bbc.com/somali/war-50371406 +technology Sawirkii ugu horreeyay abid oo laga qaaday mucjisada godka madow ee hawada sare "Khubarada cilmi falagga ayaa markii ugu horraysay sawiray god madow oo ku yaal bah-meereyaal oo aad u fog. Waxa bedka godkaa madoobi le egyahay 40 bilyan oo km oo ah bedka dhulka oo saddex milyan oo goor la laban laabay, waxaanay saynisyahannadu ku sheegeen wax ""aad u weyn"". Godka madoobi waxa uu dhulka u jiraa 500 oo milyan oo tiriliyan oo km waxaana lagu sawiray shabakad ka samaysan sideed teleskoob oo daafaha dunida yaal. Macluumaadkaa waxaa lagu baahiyey majallada Astrophysical Letters.\n\nSawirka wax qaaday shabakadda Event Horizon Telescope (EHT) oo ah shabakad ka kooban sideed teleskoob. Prof Heino Falcke oo ka tirsan jaamacadda Radboud ee Netherlands oo tijaabada hindisy ayaa BBC-da u sheegay in godkaa madow laga helay bah-meereyaal la yidhaa M87. ""Waxaanu aragnay wuu ka weynyahay hab-meeraha qorraxdeenna,"" ayuu yiri.\n""Wuxu cufkiisu ka weynyahay qoraxda 6.5 bilyan oo goor, waxaana godadka madow ee ugu culus ee aanu filayno kuwa jira. Waa bahal aad u weyn oo ah ka ugu culus godadka modow ee dunida ka jira"" Sawirka waxa ka muuqda ""dab aad u ifaya oo ku wareegsan"" sida uu sheegay Prof Falcke waxa ololkaasi si fiican ugu wareegsanyahay god madow. Ololkaa iftiimaya waxa sababay neefta aadka u kulul ee godka galaysa. Iftiinkaasi wuu ka nuur badanyahay wadarta balaayinta xidigood ee ku yaal bah-meeraha uu ku yaal, waana sababta masaafada fog ee dhulka ah looga arki karo. Gedaanka goobada modow ee dhexda ku jirta ayaa ah goobta ay neeftu ka gasho godka madow, kaas oo ah walax cuf isjiidadkeedu aad u weynyahay, xataa ilayska ayaan dhaafi karin. Sawirku wuxu waafaqayaa muuqaalladii male awaalka ahaa ee ay sayinisyahannada iyo filim sameeyeyaasha Hollywood ka haysteen, sida uu sheegay Dr Ziri Younsi oo ka tirsan jaamacada University College Lodon, oo qayb ka ah iskaashiga EHT. ""In kasta oo marka si loo eego ay yihiin walxo yar yar, hadana godadka madoobi waxay carinayaan su'aalo adag oo la iska weydiiyo wakhtiga iyo meesha iyo ugu dambayn jiritaankeenna"" ayuu yiri. ""Waa wax lala yaabo in sawirka aan aragnay uu aad ula mid yahay wixii ka soo baxay xisaabihii male awaalka ahaa. Ilaa taaan waxa muuqata in Einstein saxnaa"". Sawirkan koobaad wuxu cilmi baadheyaashaa u fududayn doonaa in ay wax badan ka ogaadan walxaha qariibka ah. waxay aad u darsi doonaan siyaabaha godka madoobi kaga duwan yahay wixii cilmiga fiisigisku u haystay. Cidnina hubaal uma garanayso waxa dhaliyay iftiinka ololaya ee godka ku gedaaman waxa abuura. Xataa waxa kale oo xiise leh su'aasha ah waxa dhici kara marka walaxi ku dhacdo godka madow. Waa maxay godka madoobi?\n• Godka madoobi waa meel ka mid ah hawada sare oo aan waxba ka gudbi karin, xataa ilaysku.\n• Walow magacu tilmaamayo god, hadana ma aha kuwo madhan ee waxa ka buuxa maatar badan oo bed yar aad ugu cufan, waxaanay taasi siisay cuf jiidad aad u badan. \n• Meeshani waa meel ka shishaysa godka madow oo la yidhaa Event Horizon. Goobtaasina waa ""barta aan laga soo noqon"" oo ay adag tahay in cuF jiidadkeda laga muruxsado. Kooxdu waxay is waydiinaysaa in uu jiro god madow oo wayn oo ku yaal bu'da bah-Meeraheena la yidhaa Milk Way. Wax aan maan gal ahayn baa la moodaa, laakiin arintaa haatan la ogaaday ayaa ka adkayd oo ah in sawir laga qaado bah-meere 55 milyan oo sannad ilays inaga fog. Sabab aan la garanayn awgeed na, ""goobada dabka ah"" ee ku gadaaman godka madow ee ku yaal Milk Way ayaa aad uga yar oo ka iftiin yar kan haatan la helay." https://www.bbc.com/somali/articles/c3ge50eqe9qo +politics Soomaaliya oo Kenya ku eedaysay 'weerraro aan loo meeldayin' inay ka gaysatay gudaha dalka "Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay wax ay ku tilmaantay weerrar aan loo aabba-yeelin oo ay sheegtay in ciidammada Kenya ay ka gaysteen gudaha dalka kuwaas oo si ay hadalka u dhigtay lagu beegsaday dad rayid ah. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerar dhanka cirka oo aan loo meel dayin ay diyaaradaha Kenya ka gaysteen saddexdii bishaan Juun deegaanno ka tirsan gobolka Gedo, kaas oo ay sheegtay inuu sababay dhimasho iyo naafeyn dad rayid ah oo ay ku jiraan caruur iyo haween. Warkan ka soo baxay xalay wasaaradda arrimaha dibadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada cirka Kenya ay gobalka Gedo ka gaystaan dhimashada dad rayad ah oo ay caruur iyo haweenba ku jiraan. ""Weerarkii cirka ee aan loo aabbo yeelin ee ka dhacay Ceel Cadde iyo Hisa-u-gur oo ka tirsan gobolka Gedo, Jubaland State, 3-dii Juun 2021, waa tusaalaha ugu dambeeyay ee hawlgallada Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ee keenay dhimashada iyo naafaynta dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur oo si isa soo taraysa u noqdaya astaan aan fiicnayn oo ah hannaanka hawlgalka ee ciidamada cirka ee Kenya"" ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Ciidamada xoogga dalka ee dalka Kenya ee loo soo gaabiyo KDF ayey dowladda Soomaaliya ku eedaysay kala sooc la'aan dadka rayadka ah iyo kooxahaha xagjirka ah . ""Waxaa muuqata inay sii kordheysa daandaansiga iyo kala sooc la'aanta ay ciidamada KDF ay howlgalada ka fuliyaan Soomaaliya, iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaalanka xagjirnimada, waxna ku soo kordhin doonin dadaallada loogu jiro xasilinta iyo ka hortagga xagjirnimada."" Bayaanka ayaa dhanka kale lagu sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ugu baaqeyso ""AMISOM inay fuliso waajibaadkeeda sida ku cad farqadda OP18 ee xafiiska UNSC ee AMISOM si loo xoojiyo isku mid ahaanta soo tebinta khasaaraha rayidka iyo in lala shaqeeyo hay'adaha DFS, si ay ula socdaan falalkan foosha xun ee fuleynimada ah ee lagula kacayo bulshada."" Bayaanka ayaa intaas ku daray in ""Falalkan rabshadaha ah waxay diiradda saarayaan muhiimada doodaha socda ee ku saabsan Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya iyo nooca, qeybaha howlgalka Midowga Afrika ee 2021-ka."" Dhankeeda dolwadda Kenya ilaa iyo hadda kama aysan hadal eedaynta dolwadda Soomaaliya ee la xiriirta duqeymaha diyaaradaha dagaalka kenya ay ka gaysteen qaybo ka tirsan gobalka Gedo, hase yeeshee waxaa ay arrintaani imaanaysaa iyadoo xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu sii xumaanayay toddobaadyaii la soo dhaafay taas oo keentay in Kenya ay joojisya guudahaan duulimaadyadii rayadka ahaa ee tagi jiray Soomaaliya. Khamiistii ayey aheyd gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq ee Soomaaliya, Sahal Macaliin Aadan, uu BBCda u sheegay in duqaymo dhanka cirka ah oo diyaarado dagaal ay habeenkii halkaas ka gaysteen kuwaas oo uu ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh. Halkan hoose ka dhagayso wareysiga gudoomiye ku xigeenka." https://www.bbc.com/somali/war-57367458 +sports War cusub oo kasoo yeeray xaaladda tababaraha Arsenal ee uu ku dhacay Corona "Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay ""inuu hadda soo roonaanayo"", kaddib markii laga helay Caabuqa Corona. Kooxda Gunners ayaa albaabbada isugu dhufatay garoonka tababarka, halka shaqaalahii xiriirka la sameeyay Arteta ay si iskood ah isu karantiileen. ""Waad ku mahadsan tihiin erayadiinna iyo taageeradiinna,"" ayuu yiri tababaraha 37 jirka ah ee reer Spain, oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka. ""Dhammaanteen waxaan wajaheynaa caqabad weyn oo lama filaan ah. ""Hadda waxa la daneynayo waa caafimaadka qof walba. Is ilaaliya idinkoo raacaya talooyinka"", ayuu sii raaciyay hadalkiisa. ""Arrintan waxaan uga gudbi doonnaa si wadajir ah"", ayuu yiri Arteta. Caabuqa Corona ayaa si weyn ugu sii fidaya caalamka, iyadoo dalalka Yurub qaarkood ay yihiin kuwa ugu daran ee uu saameeyay. Aroornimadii hore ee Jimcada maanta ah, weeraryahanka kooxda Chelsea, Callum Hudson-Odoi, ayaa qirtay in ay saameynta cudurkaas gaartay. Kooxda Everton ee isla horyaalka Ingiriiska ayaa iyana sheegtay in mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda joogtada ah lagu arkay calaamadaha. Horaantii isbuucan, dhowr kooxood - oo ay ka mid yihiin Arsenal, Chelsea, Leicester City, Bournemouth, Manchester City, Juventus iyo Real Madrid - ayaa shaaciyay in ciyaartoydooda oo dhan ama qaarkood iyo maamulkaba ay ku jiraan karantiil iskood ah. Dhammaan tartamada Kubadda Cagta ee dalka Igiriiska iyo qeybo ka mid ah Qaaradda Yurub ayaa la haliyay, sababo la xiriira cabsida Caabuqa Corona ee fidaya. Tarmada ugu caansan ee hakadka la galiyay waxaa ka mid ah horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League-ga, kaasoo balaayiin qof ay ka daawadaan caalamka daafihiisa kala duwan. Sidoo kale waxaa la wada baajiyay kulamadii tartamada EFL-ka, FA-da Haweenka iyo sidoo kale Championship-ka Haweenka ee dalka Ingiriiska. Marka ugu horreysa ee ay suurtagalka tahay in ciyaarahan qaarkood dib loo billaabo waa 3-da bisha April. Hakadka la galiyay ciyaaraha dalka Ingiriiska ayaa yimid hal maalin kaddib markii la joojiyay qeybo badan oo ka mid ah tartamadii dhinaca ciyaaraha ee aaduunka." https://www.bbc.com/somali/war-51880946 +technology "Barnaamijka ""CareerTok"": TikTok shaqo miyaa laga dhex helaa?" "Waxay aheyd habeen talaado bishii September sanadkii 2019, Elizaveta Prigozhina waxay barta TikTok soo dhigtay muuqaal ay walaac uga muujineysay sida ay uga xumeyd shaqo la'aanta heysatay. Markii ay kacday maalintii xigtay, waxay heshay in ka badan 10 codsiyo oo imtixaan looga qaadayo -maamulayaasha ayaa arkay muuqaalkeeda muujinayo 'shaqo la'aanta'. ""TikTok nolosheyda ayuu baddalay"" ayay tiri Elizaveta Prigozhina oo ah gabadh da' yar oo ka faa'iday nidaamka lagu baahinayo muuqallada dadka shaqo doonka ah ee 'CareerTok', kuwaas oo qaarkood shaqo ka dhex helay bartan. Iyada oo ay jirtay go'doon iyo shaqo la'aan baahsan oo uu sababay safmarka Covid-19 labadii sano ee lasoo dhaafay, barta TikTok ayaa noqotay goob muhiim ah oo ay dhalinyarada ka raadsadaan shaqooyinka. Hal ku dhigga ""CareerTok"" ayaa waxaa daawatay muuqaallada lasoo dhigay in ka badan 70 milyan, waana bar sii kobceysa. TikTok lafteedu way dareentay isbeddelkan oo bishii July 2021 waxay bilawday 'TikTok Resumes' barnaamij tijaabo ah oo u oggolaanaya dadka inay soo dhigaan muuqaallo muujinaya khibradahooda iyo xirfadahooda shaqo oo ay si toos ah ugu diraan maamulayaasha raadinaya shaqaalaha. Inkasta oo barnaamijka tijaabada ah uu socday oo kaliya hal bil, tiro kamid ah shirkadaha wax shaqaaleysiiya oo ay kamid yihiin Target, dukaamada iibiya badeecadaha tafaariiqda iyo shirkado kale ayaa ka qayb qaatay barnaamijkan. Dadka shaqo doonka ahaa waxay soo gudbinayeen muuqaallo uu la socday hal ku dhigga #TikTokResumes kaas oo ay kusoo bandhigayeen xirfadahooda. Saddex qaab oo lacag looga sameeyo TikTok Aaminaadda TikTok, walwal makugu haysaa? TikTok oo sanadkan kaalinta koowaad ka qaaday Google In kasta oo TikTok CV-gu aanu ahayn codsi shaqo oo rasmi ah, waxay u shaqaysaa si maamulayaasha ay ku hubiyaan dadka shaqo raadiska ah ee ku habboon shaqada si loogu marti qaado in laga qaado imtixaam. Iyadoo uu jiro tartanka dhanka shaqooyinka ah shirkadda Chipotle waxay ku khasbanaatay inay bilowdo in dadka ay ka dhex qoroto barta TikTok. Shirkaddan waxay tijaabineysay in TikTok ay noqon karto madal ay shaqaalaha ka qoroto tan iyo sanadkii 2019-kii, ayay tiri Tressie Lieberman oo ah gudoomiye ku xigeenka suuqgeynta ee shirkadda. Makena Yee oo ah gabadh ardayad ah oo baratay cilmiga isgaarsiinta kuna sugan magaalada Seattle ee dalka Mareykanka ayaa barta TikTok waxay dhigtay muuqaal ay ku codsaneyso in la shaqaaleysiiyo bishii May sanadkii hore. Muuqaalkii ay dhigtay halkaas ayaa waxaa daawatay in ka badan 200,000 qof, waxaana lasoo xiriirtay ku dhawaad 20 shirkadood. In kasta oo TikTok aanay haynin tiro-koob cusub oo ku saabsan tirada dadka laga dhex shaqaaleysiiyay barta balse guusha la gaaray ayaa ah in dad badan ay shaqooyinka ku saabsan ciyaaraha iyo madaadalada ka heleen halkaas xilli ay muuqaallo soo dhigeen barta iyagoo shaqo raadis ah, sida ay BBC u sheegtay Elena Saavedra oo ah maamulaha isgaarsiinta ee shirkadda TikTok." https://www.bbc.com/somali/war-61134365 +health Muxuu yahay cudurka khatarta ku haya dadka ka kaca Coronavirus ee Hindiya? "Mas'uuliyiinta caafimaadka Hindiya ayaa ugu baaqay gobollada dalkaas inay ku dhawaaqaan in xanuun faafa uu ka dillaacay halkaas kaddib markii ay kordheen kiisaska xanuunka dilaaga ah ee ""Black fungus"". Caabuqan dhifka ah, oo lagu magacaabo mucormycosis, ayaa 50% sababa dhimasho, iyadoo dadka qaar lagu badbaadiyo in laga saaro il amaba lafta garka. Balse bilihii la soo dhaafay, Hindiya waxay diwaan-gelisay kumannaan kiisas ah oo la xiriira bukaannada ka soo kabtay amaba ka soo kabanaya Covid-19. Dhakhaatiirta ayaa ka shakisan in laga yaabo in xanuunkan uu la xiriiro dawooyinka lagula tacaalo Covid-19. Bukaannada qaba xanuunka macaanka ayaa si gaar ah khatar ugu jira, iyadoo dhakhaatiirtu ay BBC-da u sheegeen inay u muuqato in xanuunkan uu asiibo bukaannada ka soo kabtay Covid-19 muddo 12 ilaa 15 maalmood kaddib. Xoghayaha wasaaradda caafimaadka dalkaas, Lav Agarwal, ayaa Khamiistii farriin u diray 29-ka gobol ee Hindiya taas oo uu uga codsanayo inay ku dhawaaqaan in xanuunkani yahay mid faafa. Haddii ay sidaas sameeyaan, wasaaradda waxaa u fududaaneysa inay si dhow ula socoto waxa ka dhacaya gobol walba. Ma cadda tirada kiisaska laga soo sheegay dalkaas, oo haatan dhex mukhuuranaya mowjad labaad oo Covid-19 ah kaas oo ay sababsadeen tobnaan kun oo qof. Toddobaadkii la soo dhaafay, wasiirka caafimaadka gobolka Maharashtra, Rajesh Tope, ayaa sheegay in ilaa 1,500 kiisas oo caabuqa ah lagu arkay gobolka, oo ah kan saameynta ugu ba'an uu ku yeeshay xanuunka Covid-19 ee dalkaas Hindiya. Hal cisbitaal oo ku yaalla caasimadda gobolkaas ee Mumbai, ayaa BBC u sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay ay diwaan-geliyeen 24 kiisas ah, iyadoo sanadkii la soo dhaafay oo dhanna ay diwaan-geliyeen lix kiisas ah. Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale BBC u sheegay sida loogu qasbay inay dadka ka saaraan indhaha iyo lafaha garka, si loo yareeyo faafitaanka xanuunka kahor inta uusan gaarin maskaxda, taas oo waxyeello ba'an gaarsiisay wejiga bukaannada. Sare u kaca kiisaska waxaa sababay gabaabsiga Amphotericin B, oo ah dawo lagula tacaalo caabuqan mucormycosis, inkastoo ay soo saaraan shirkado badan oo ku yaalla Hindiya. Tan waxay sababtay in dadka iyaga oo niyad jabsan ay u weecdaan suuqa madow. Mucormycosis waa caabuq aad dhif u ah. Waxaa sababa in qofku uu la fal galo fangas inta badan laga helo ciidda, dhirta, digada, iyo khudradda quruntay. ""Waa wax meel walba yaalla waxaa laga helaa ciidda iyo hawada iyo xitaa sanka iyo xaakada dadka caafimaadka qaba,"" ayuu yiri Dr Akshay Nair, oo ah dhakhtar qalliinka indhaha ku takhasusay oo ku sugan Mumbai. Wuxuu saameeyaa sanqada, maskaxda iyo sambabada wuxuuna gaar ahana halis ku yahay dadka qaba macaanka iyo bukaannada kansarka amaba dadka la nool HIV/Aids." https://www.bbc.com/somali/war-57196685 +technology Maxaa ku qornaa warqadda 100 sano ka dib soo gaartay halkii ay ku socotay? "Dhambaal la qoray bishii Febraayo ee sanadkii 1916-kii ayaa gaadhay aqal ku yaalla koonfurta London in ka badan 100 sano ka dib. Bashqadda oo ku shaabadeysan (1P) oo ah shilinkii xilligaas la isticmaali jiray oo u u ku sawiranyahay boqor George-kii shanaad ee Ingiriiska, ayaa soo gaadhay guriga uu daganaa Finlay Glen oo ku yaal waddada Hamlet ee xaafadda Crystal Palace, 2021-kii. Wuxuu yiri: “Dabcan filan waa ayey nagu noqotay waxaannu la amakaagnay halka ay taallay in ka badan boqol sano.” Shirkadda Royal Mail ayaa sheegtay in aan “ la xaqiiji Karin waxa dhacay”. Warqadda ayaa la diray laba sano ka hor inta aan lagu dhaqaawin sahayda dagaalkii kowaad ee aduunka iyadoo Boqor George-kii shanaadna uu kursiga ku fadhiyo shan sano. Harold Wilson iyo Sir Edward Heath oo labuduba raysal wasaare ka noqon doona Ingiriiska ayaa labaduba dhashay dhamaadka sannadkaas. Inkasta oo ay dembi tahay inaad furto warqad aan adiga kuu soconin, sharciga adeegga boostada 22 2000-kii, agaasimaha masraxa ayaa sheegay inuu dareemay inay iska caadi tahay inuu furo ka dib markii uu ogaaday inay ahayd 1916 ee aanay ahayn 2016. 27-tan jirkan ayaa intaa ku daray ”Hadii aan dembi ku dhacya, raali gelin umbaan ka bixin karaa.” Waxay warqaddu ku socotay “katie-tayda qaaliga ah”, xaaska Oswald Marsh, sida lagoo xigtay Stephen Ozford oo ah tifaf-tiraha joornaalka maxalliga ah ee Norwood oo saddexdii biloodba hal mar soo baxa. Oswald Marsh waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid ka dillaaltama shaamabadaha waraaqaha rasmiga ah la saaro oo loo yeeran jiray marka laga shakiyo rasmi ahaanshaha shaabadaha saaran waraaqaha. Waxaa qoray gabadh qoyska la saaxiib ahayd oo la oran jiray Christabel Mennel, oo ah gabadh ka dhalatay qoys hantiile ah oo ka ganacsada caleenta shaaha ee Henry Tuke Mennell, mar ay dalxiis ku joogtay Bath. Waxay dhambaalka Ms Mennell ku sheegtay, “yaxyax ayaan dareemayaa ka dib markaan sheegay waxa aan sameeyay,” iyo inay dareemayso “ silac halkan oo aad u qabow”. Mr Oxford wuxuu yiri: ""Waa wax aan caadi ahayn oo runtii aad u xiiso badan marka dib loo eego hogaanka taariikhda deegaanka iyo dadkii ku noolaa Norwood, taas oo ahayd meel aad ugu caan ahayd qoysaska ladan ee heerka dhexe dhamaadkii 1800-meeyadii. ""Crystal Palace waxa ay abuurtay dad aad u hodan ah oo aad u badan, sidaas darted inaad ogaato qof halkan ugusoo guuray isla babtaas awgeed ayaa ah mid aad u xiiso badan."" Mar la weydiiyey waxa uu sameyn lahaa hadii ay la soo xiriiraan qoyska qofka warqadda soo diray amaba kuwii loo diray wuxuu Glen ku jawaabay: “ waa qayb cajiib ah oo ka mid ah taariikhda qoyskooda oo soo baxday hadii ay u baahanyihiin way ii imaan karaan.” Sheekada ayaa markii u horeysay kasoo muuqatay joornaalka koonfurta London Arbacadii aanu soo dhaafnay. Af-hayeen u hadlay Shirkadda boostada ee Royal Mail ayaa yiri: “ Dhacdadan oo kale marar badan ayey dhacdaa mana cadeynkarno waxa dhacay .. “ Waan ku faraxsannahay in ay dadka xiiso galiso taariikhda warqaddan ka timid 1916-kii balse ma haynno wax xog ah oo ku saabsan sida ay wax u dheceen.”" https://www.bbc.com/somali/articles/crgrzd8m3m9o +politics Maxaa ka jira in dowladda Mareykaka ay adeegsatay qof kale oo loo ekeysiiyay Biden? "Qaar ka tirsan dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si been abuur ah u sheegaya in muuqaal laga soo duubay madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, uu qofka ka muuqda yahay nin kale oo loo ekeysiiyay Biden. Muuqaallada loo adeegsado tiknoolojiyadda loo yaqaanno ""deepfake"" ayaa ah kuwo ay ujeeddadoodu tahay in qof uu iska dhigo inuu sheegayo ama samaynayo wax uusan samaynin qofkii saxda ahaa. BBC-da ayaa baaritaan ku samaysay muuqaalkaas. Kumannaan qof oo isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in muuqaalka Biden uu yahay mid wajigiisa la saaray nin atoore ah, iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyadda casriga ah ee wax lagu baddalo. Muuqaalka Biden oo 17 ilbiriqsi ah ayuu uga hadlayay rabshadihii 6-dii bishii January ka dhacay dhismaha baarlamaanka Mareykanka, xilligaas oo ay dad mudaharaadeyaal ah xoog ku galeen dhismaha. Rabshadahaas ayaa hadda lagu wadaa baaritaanno, waxaana loo xil saaray guddi ka kooban xildhibaannada Aqalka Wakiillada. Muuqaalkaas ayaa maalin ka hor lagu daabacay bogga Twitter-ka rasmiga ah ee xisbiga Dimuqraaddiga, durbadiina waxa uu dhaliyay hadal-hayn ballaaran. Kumannaan jeer ayaa lasii faafiyay sawirro iyo qoraallo ay baraha bulshada soo galiyeen dad shaki ka muujinaya muuqaalkaas, oo ay ka mid yihiin shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan falanqeeyayaasha telefishinnada garabka bidix ee Newsmax iyo One America News. Hal sabab oo ay dadka shakiga muujiyay u adeegsanayaan muuqaalkan waa in ay sheegeen in Madaxweyne Biden uu isagoo sidaas ka duwan kasoo muuqday muuqaal kale oo isla maalintaas la shaaciyay - kaasoo dadka qaar ay isaga laftiisa ku tilmaameen been abuur. Balse farqiga kaliya ee u dhaxeeya sida uu u egyahay madaxweynaha waa mid ku salaysan iftiinkii la isticmaalay markii la duubayay muuqaalka. Dadka ayaa sidoo kale sheegay muuqaalka uu shaki badan dhalinayo maadaama uusan madaxweynuhu libiqsanayn - laakiin taas caddayn uma noqon karto in muuqaalka uu yahay mid la baddalay. Qof Twitter-ka soo dhigay hadal ku saabsan arrintan, oo dib loo sii faafiyay 40,000 oo jeer, ayaa yiri: ""qof caadi ah wuxuu libiqsanaa 15 ilaa 20 jeer halkii daqiiqo"". Dadku waxay libiqsadaan qiyaastii 12 jeer daqiiqaddiiba, aad bay suurtagal u tahay in qofku uusan mararka qaar libiqsan muddo ka dheer waqtiga uu muuqaalka ku eg yahay oo ah 17 ilbiriqsi. Waxaa kale oo jirta meel dhexe oo laga jaray muuqaalka ay Twitter-ka soo geliyeen xisbiga Dimuqraaddiga, sidaas darteedna waqtigaas oo dhan indhihiisa kaamirada kuma jeedin. Muuqaalkaas laftiisa oo intaas ka dheer ayaa lasoo geliyay bogga Aqalka Cad waxa uuna madaxweynuhu libiqsanayaa dhowr jeer. Waxaa intaas sii dheer, muuqaallada lagu sameeyo tiknoolojiyadda ""deepfake"" way libiqsan karaan. ""Dad badan waxay u maleeyaan in ay muuqalalada la isa saaro ku garan karaan inaysan libiqsanayn, taas oo aan sax ahayn. Deepfake loo sameeyay si xun unbaan libiqsanayn, taasna ma aha astaan lagu karto,"" ayuu yiri sheegay Sam Gregory oo ah khabiir ku xeel dheer arrintaas. ""Waxaa jirtay cilmi baaris la sameeyay saddex ama afar sano ka hor oo lagu ogaaday in muuqaallada la is dul saaro aysan libiqsi lahayn, balse wixii xilligaas ka dambeeyay tiknoolijiyadda waa la hormariyay waana loo sameeyay libiqsiga."" Sheegashooyinka ku saabsan in Madaxweyne Biden muuqaalkiisa uu ahaa mid la baddalay, is dul saar ah, ama qof u eg isaga laga duubay ma aha wax cusub. Muddo dheer ayay arrintan kusoo noqnoqonaysay baraha bulshada, mararka qaarna waxaa ka dhalanayay hadal-hayn. Been abuur sidaas oo kale ah ayaa laga sameeyay madax kale oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha caalamka, oo uu ku jiray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump." https://www.bbc.com/somali/articles/c517l7e9g33o +health Coronavirus: Nin u dhintay dawo uu u liqay ka hortagga Covid-19 "Nin ku noolaa gobolka Arizona ayaa dhintay, xaaskiisana waxay ku jirtaa xaalad halis ah ka dib markii ay liqeen dawada malaariyada ee Chloroquine. Ujeedadoodu waxay ahayd in ay kaga hortagaan Covid-19. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, wuxuu sheegay in dawada chloroquine ay suuragal tahay in lagu daweeyo fayraska. Balse lamaanaha degganaa Phoenix waxay liqeen kiimiko aalaaba loo adeegsado in lagu nadiifiyo booyadaha biyaha ee kalluunka lagu dhex rido. Waxyar ka dib markii ay liqeen ayey xanuunsadeen waxaana la geeyay cisbitaal, sida ay sheegeen maamulka caafimaad ee Banner Health. Labadan lamaane waxay ku jireen da'da 60-maadka. Haweeneyda oo weli taalla cisbitaalka waxay NBC u sheegtay in telefishinka ay ka aragtay Trump oo ka hadlaya faa'iidada suuragalka ah ee laga heli karo chloroqiune in lagu daweeyo Covid-19. Maamulka Cuntada iyo Dawada Mareykanka (FDA) ayaa horey u ansixiyay in dawadaas loo adeegsado Malaariyada, iyo xanuuno kale, balse weli lama ansixin in loo adeegsan karo daweynta fayraska corona. ""Waxaan aragnay isagoo saxaafadda la hadlaya. Tahan ma ahayn xaqiiqdii,"" ayey tiri. ""Trump wuxuu ku celceliyay in aasaas ahaan ay dawo wanaagsan tahay."" ""Waxaan ka baqeynay in aan xanuunsano,"" ayey u sheegtay NBC. Waxaa jiro ugu yaraan 46,548 qof oo uu ku dhacay fayraska ee dalka Mareykanka. Waxaana u dhimatay ugu yaraan 592 qof. Qoyskan waxay horey dawadan chloroqiune ugu adeegsadeen daweynta biyaha kullaanka, qeyb ka hartay ayeyna guriga ku haysteen. Dawada ay haysteenna waa mid ka duwan nooca lagu daweeyo malaariyada. Waxay isku dareen dawada iyo biyo, way qaseen ka dibna way cabeen. Illaa 20 daqiiqo gudahooda ayey labadaba ku xanuunsadeen. ""Waxaan billaabay matag,"" ayey tiri. ""Seygeygana waxaa ku dhegay naqaska."" Seygeeda ma uusan badbaadin, iyadana weli waxay ku jirtaa xaalad halis ah. ""Khubarada caafimaadka waxay xoojinayaan in chloroquine, oo ah dawo malaariyo, aanan loo adeegsan karin daweynta ama ka hortagga Covid-19,"" ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday Banner Health. Marka la eego xaaladda aan sahlaneyn ee ku xeeran Covid-19, waan fahamsannahay in dadka ay isku deyayaan in ay helaan qaabab cusub oo ay ku daweeyaan ama uga hortagaan fayraska, balse dawo inaad iskaa u qaadato ma ahan arrin wanaagsan."" Isbuucii la soo dhaafay, Trump wuxuu sheegay in dawadan ay tahay mid macquul ah. Wuxuu Twiter-kiisa ku qoray in ""fursad wanaagsan ay leedahay oo wax ka bedeli karta xaaladda taariikhda daweynta,"" marka la qaado dawada antibiotic-ga ee azithromycin. ""Waxaan dooneynaa in aan dawadaas u diyaarino sida ugu dhaqsaha badan,"" ayuu ka yiri shirkii jaraa'id ee isbuucii tagay uu ku qabtay Aqalka Cad. Hay'adda FDA ee Mareykanka u qaabilsan Dawada iyo Cuntada ayaa isla markiiba qeexday in chloroquine aanan la ansixin, iyagoo sheegay in aysan jirin dawo la tijaabiyay oo daweyneysa ama ka hortageysa Covid-19"". Isbuucii la soo dhaafay, saraakiisha caafimaadka Nigeria ayaa sidoo kale soo saaray digniin ah in dawada malaariyada aan si xun loo adeegsan ka dib markii cisbitaallada magaalada Lagos ay soo weriyeen in tirada bukaannada ku xanuunsaday isticmaalka chloroquine ay sare u kacday. Dawadaas ayaa farmashiyaasha Nigeria ka dhammaatay taas oo ay suuragal tahay in ay ka dhalatay hadalka Donald Trump. Qoraal ka soo baxay Laanta Xakameynta Cudurada ee Nigeria ayaa lagu sheegay in ""Hay'adda Caafimaadka Adduunta ee WHO aysan ansixin isticmaalka chloroquine in lagu daweeyo Covid-19."" ""Fadlan haisticmaalin dawo uusan dhaqtar ku siin. Taas waxay kuu geysan kartaa dhibaato, waadna u dhiman kartaa.""" https://www.bbc.com/somali/war-52031161 +sports Maxay guul darrada kuugu horseedda inaad guul gaadho? 2018-kii Aniie Vernon waxay Beijing Olompic uga qayb gashay iyada oo dalka Britain ku mataleysa tartanka ciyaarta ee doonyaha yaryar ee qoriga lagu wado. Iyada oo ay xilligaasi da'deedu ahayd 25 jir waxay noqotay ciyaartooygi ugu da'da yaraa oo ka qayb galo tartanka ciyaartaasi, waxayna kooxdi ay Anna ka midka ahayd tartankaasi waxay uga qayb galeen iney ka soo hoyaan billad dahab ah. Tartanka oo ahaa mid aad u adkaa waxaa si dirqi ah kooxdi Anna ay ka mid ahayd ka guuleystay koox Shiinaha mataleysay. Guuldarrada ay ciyaartaasi kala kulantayna waxay ku abuurtay. Vernon aad ayey uga niyad jabtay guuldarrada la soo daristay culeys dhinaca maskaxda ah. Wareysi lala yeeshay oo ay kaga hadleysay buug ay qortay ayey ku sheegtay iney guul darrada ciyaaraha noocaasi oo aad u adag lagala kulmo cadaadis dhinaca maskaxda ah ciyaartooyga guuldarreystayna ay saameyn aan yareyn ay u geystaan. Ciyaartooyda qaar halka ay guul darrada niyad jab kala kulmeen qaarkoodna waxayba ka heleen dhiirranaan iyo adadkaan u horseeddo guul degdeg ah iney gaaraan. Annie waxay ciyaaraha iska joojisay 2008-dii marki ay tartankaasi caalamiga ah ay guul darro kala kulantay. Wakaaladda maamusho ciyaaraha dalka Britain ayaa baaritaan iyo cilmi baadhis dheer ku sameeysay waxyaabaha ciyaartooyda ka qayb galo tartannada caalamiga guul darrada u horseedo waxayna wareysiyo kala duwan la yeesheen 85 ciyaartooy oo caan ah. Waxaana daraasadda lagu ogaaday guusha iyo guul darradaba iney ciyaartoyda saameyn kala duwan u geysato. Adam Leive, oo ah dhaqaalayahan ka tirsan jaamacadda Verginia ayaa uruuriyey xogta ciyaartooyda billadaha ka soo hoya tartannada, inta u dhaxeysay 1846-dii ilaa iyo 1946 wuxuuna daraasadda uu ugu kuur galay noolasha ciyaartooyda sida ay noqoto markay guulo soo hoyaan kaddib. Wuxuuna Leive daraasaddiisa ku ogaaday ciyaartooyda guul darreystay iney jecel yihiin iney noolal wanaagsan oo dheer ay ku noolaadaan marka loo fiiriyo ciyaartooyda billadaha helay. Ciyaartooyga hela billadaha naxaaska ayaana ah kuwa tartannada xiga aad ugu dhiirrada oo inta badan ka shaqeeyo sidi ay u soo hoyi lahaayeen marka iyagana la barbar dhigo kuwa billadaha dahabka helay ay ka dhiirranaan ogyihiin. Shoogga guul darrada laga qaado sida ay noolasha ciyaartooyda u saameyso Seddex ka mid ah ciyaartooyga tusaalaha loo soo qaadanaya guul darrada ayaa waxaa ka mid ah, Paul McCartney hooyadii waxay u dhimatay cudurka kaansarka isaga oo 14 jir ah, John Lennon hooyadii waxay ku dhimatay shil gaari isaga oo 17 jir ah, Rechard Starkey inkasta oo yaraantiisi uu dhibaato la kulmin haddama arrima badan ayuu la soo kulmay inta uu da'da dhalinyarada uu ku jiray. Marka uu lix jir ahaa, xanuun aad u daran ayuu la kulmay sanad badan ayuuna xanuunkaasi isbitaal u jiifay, Rechard hadda waxaa uu jiraa 78. Haddaba qoraaga wargeyska daraasadda soo saaray waxay qoraalkooda ku soo afmeereen ciyaartooyda guul darrada ay tartannada ciyaaraha caalamiga ay kala kulmaan cadaadis iyo dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah balse ciyaartooyda guul darrada la kulantay ay noolashooda kale horumarro la yaab leh ay ka gaareen. https://www.bbc.com/somali/war-48993901 +politics Kenya oo shaacisay shuruudaha ay ciidamadeeda uga saareyso Soomaaliya "Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma, oo wareysi siisay Wargeyska Nation ee saldhiggiisu yahay magaalada Nairobi, ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha ku xiran in milatariga Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro. Juma ayaa meesha ka saartay warar dhawaanahanba la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in Kenya ay qorsheyneyso sidii ay ciidankeeda uga soo saari lahayd Soomaaliya, waxayna sharraxaad ka bixisay shuruudaha ku xidhan tallaabo noocaas ah. ""Runtii maba jiraan waxyaabo u baahan in la kala caddeeyo. Kenya waxay qeyb ka tahay waddamada ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii,"" ayey tidhi Juma. Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey sheegtay in dhowr arrimood uun ay keeni karaan in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, waxayna tidhi: ""Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xiran in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga."" Hadalka Juma wuxuu gabi ahaanba meesha ka saarayaa in Kenya ay si gaar ah u tixgalineyso tallaabo ku aaddan sidii ay ciidankeeda uga saari lahayd Soomaaliya, waxayna caddeysay ""in mar walba ay qeyb ka yihiin go'aannada guud ee Amisom, oo hoos tagta Midowga Afrika. Bishii March ayey soo baxeen warar ku saabsan in Kenya ay isu diyaarineyso wadahadal ku aaddan in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya. Xilligaas waxaa la sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma, ay hormuud ka noqon doonto wadaxaajoodka ka bixitaanka Soomaaliya, kaasoo qeyb ka ah qorshaha ciidamada AMISOM Soomaaliya looga saarayo sanadka 2021-ka. Hadal-heynta ku saabsan bixitaanka ciidamada Kenya waxay socotay tan iyo horaantii sanadkii lasoo dhaafay, markii uu soo ifbaxay muran dhinaca xadka badda ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo khatar ku hayay amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland. Dhawaanahan waxaa soo noqnoqonayay cabasho ku aaddan dad rayid ah oo waxyeello kala kulmay ciidamada qeybta ka ah Amisom ee ku sugan aagaggaas - gaar ahaan kuwa Kenya - inkastoo ay socdeen baaritaanno ay sameynayeen mas'uuliyiinta maamulka Jubbaland. Dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay, milatariga dowladda Kenya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayey israsaaseyn daqiiqado socotay dhex martay maalintii Sabtida, xilli ay ku wada sugnaayeen xadka u dhaxeeya labada waddan. Saraakiil maxalli ah iyo dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in isku dhaca labada ciidan uu yimid kaddib markii ciidanka Kenya ay rasaas ku fureen mudaharaadeyaal Soomaali ah oo xaggooda u sii dhawaanayay. Arrintan ayaa ka dhacday furinta ay ciidamada kala joogaan ee u dhaxeysa magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera, gaar ahaan meel u dhow xadka dhinaca Waqooyi ee ay labada dal la wadaagaan waddanka Itoobiya. Guddoomiyaha gobolka Gedo Nuur Xaaji Macalimow ayaa israsaaseynta dhex martay labada ciidan u xaqiijiyay BBC-da. ""Ciidammada Kenya ayaa rasaas ku furay dad mudaaharadayay kuna sugnaa agoob u dhaw xadka beledxaawa iyo Mandera. Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya ayaa iyagana ka jawaabay oo rasaas ku furay ciidammada Kenya"", ayuu yiri Nuur Xaaji Macalimow. Ma jiro wax khasaare ah oo ay sababta israsaaseynta dhex martay labada ciidan iyo rasaasta ka horreysay ee lagu furay dadka rayidka ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP. Shacabka mudaharaadayay ayaa ka cadheysnaa dhacdo laga soo tabiyay deegaanka Yado ee u dhow degmada Ceelwaaq, halkaasoo la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay ku dileen hal wiil oo Soomaali ah sidoo kalena ku kaxeysteen saddex nin oo ay ku jiraan wiilka dhintay aabihiis iyo walaalkiis." https://www.bbc.com/somali/war-54504555 +politics Mareykanka oo soo jeediyay in wadahadal lagu dhameeyo muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya "Safiirka Mareykanka u fadhiyo dalka Kenya ayaa sheegay inay kaalin ka qaadanayaan xallinta muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Kyle McCarter oo wareysi siinayay telefishinka Citizen ee ka hawlgala Kenya ayaa ka dhawaajiyay in Mareykanka uu ka shaqeynayo sidii uu fududeyn lahaa xal ka gaarista khilaafka ka taagan dhul badeedka Kenya iyo Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in rumeysan yahay in labada dal ay ilaalin doonaan deris wanaaga. Safiirka oo wax laga weydiyay, aragtida Mareykanka ee ku aadan muranka badda, waxaa uu sheegay in wadahadal lagu dhameeyo muranka isla markaasna ay tahay tallaabada ugu wanaagsan ee lagu soo afjarayo arrintaas. Kyle McCarter waxaa uu sidoo kale sheegay in labada dal aysan inaba kala maarmi karin gaar ahaan xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga ku aadan arrimaha amniga sidaas darteed ay muhiim tahay inay isku yimaadaan si ay xal uga gaaraan khilaafka ka dhex taagan. ""Mareykanka waxaa uu ka shaqeynayaa sidii uu fududeyn lahaa xal ka gaarista muranka, waxaan rumeysanahay in Kenya iyo Soomaaliya ay dhowr doonaan deris wanaaga"" ayuu yiri safiirka Mareykanka u fadhiyo dalka Kenya. Hadalka safiirka ayaa kusoo aadaya xilli maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ay shaacisay xilliga ay dib u billaabeyso dhageysiga kiiska Soomaaliya ay u gudbisay ee ka dhanka ah Kenya. Maxkamadda waxay sheegtay in dacwadda labada dhinac ay dhageysan doonto laga bilaabo 9-ka ilaa 13-ka bisha September." https://www.bbc.com/somali/war-48769254 +entertainment Atariisho ka mid ah kuwa ugu caansan Bollywood-ka oo dhexda uga jirta “fadeexad” Maxkamad ku taalla Hindiya ayaa oggolaatay in damiin lagu sii daayo aratiisha Bollywood-ka ee lagu magacaabo Jacqueline Fernandez, taasoo loo heysto kiis ku saabsan musuqmaasuq lacageed iyo hadiyad Atariishadan 37 jirka ah ayey baaritaan ku sameeyeen waaxda sharci fulinta ee loo soo gaabiyo (ED), oo ah hay’adda dowladda Hindiya u qaabilsan dambiyada la xiriira dhinaca maaliyadda. Waxay hay’addan atariishada ku eedeysay in ay sameysay wax isdamarin lacageed oo sharci darro ah, sidaas darteedna waxay doonayaan in xabsiga la dhigo. Prashant Patil, oo ah qareenka u doodaya Fernandez ayaa beeniyay eedeymaha lagu soo dacweeyay haweeneyda jilaaga ah, waxa uuna ku adkeystay in uusan jirin wax kiis sharci ah oo ka dhan ah. Kiiskan ayaa qabsaday warbaahinta Hindiya, maadaama ay atariishadan ka mid tahay jilayaasha ugu caansan dalkaas. Jacqueline Fernandez oo ah gabar dharka xayeysiisa oo kasoo jeedda dalka Sri Lanka, horayna ugu guuleysatay abaal marinta haweeneyda ugu quruxda badan dalkaas, ayaa filimkeedii ugu horreeyay ee Bollywood-ka kasoo muuqatay sanadkii 2009, xilligaas wixii ka dambeeyayna waxa ay noqotay atariisho so weyn u soo shaac baxday. Dadka filimada falanqeeya waxay dhaleeceeyaan xirfaddeeda jilitaanka, balse Fernandez waxa ay filimo lasoo jishay xiddigaha ugu waaweyn Bollywood-ka, sida Saif Ali Khan, Akshay Kumar iyo Salman Khan, waxa ayna kasoo muuqatay filimo aad u guuleystay. Waxa ay ka qeyb qaadatay barnaamijyo masraxyada Hindiya lagu dhigay oo ay ku wehlinayeen xiddigaha ugu sarreeya ee Bollywood-ka, Shah Rukh Khan iyo Priyanka Chopra. Warbaahinta ayaa ugu yeerta magacyo naaneys ah oo ay ka mid yihiin haweeneyda “loogu xiiseynta badan yahay”, “gabada ugu quruxda badan qaaradda Aasiya” iyo “mid ka mid ah dadka ugu caansan Hindiya”. Balse tan iyo sanadkii lasoo dhaafay waxaa taagneyd hadal heyn saameyn xun ku yeelatay oo ku saabsan nin la sheegay in uu dadka si khiyaano ah lacag uga qaato, kaasoo ay ka heshay hadiyado qaali ah. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay lacago isdaba marisay, iyadoo ka dhuumaneysa canshuurta. Saraakiisha hay;adda ED ee qaabilsan baaritaannada dambiyada maaliyadda ayaa dhowr jeer ugu yeeray in ay su’aalo weydiiyaan, waxa ayna maxkamadda u gudbiyeen dacwado ka dhan ah iyada, in muddo ahna waxay raadinayeen fasax ay ku soo xiraan. Hase yeeshee, maalintii Talaadada ayey maxkamadda soo saartay xukun ay ku taageereyso atariishada, iyadoo oggolaatay in ay damiin ku joogto bannaanka. Kiiska oo dhan waxa uu salka ku hayaa xiriirka atariishadan kala dhaxeeya Sukesh Chandrasekhar, oo ah nin 32 jir ah oo lagu eedeeyay in uu dhac u geystay dad badan, kaas oo booliska iyo warbaahinta Hindiya ay ku tilmaameen “Qof wax khiyaameeya”. Sida ku xusan warqadaha maxkamadda, Chandrashekhar, oo tan iyo sanadkii 2018 xabsi ugu jiray kiisas kale, ayaa magaciisa lagu soo daray dacwad cusub oo la gudbiyay bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay, markaas oo lagu eedeeyay in uu 2020-kii qoys ganacsato ah ka dhacay lacag dhan 2bn rupees ($24.6m; £20.9m) Qareenkiisa, Ashok K Singh ayaa beeniyay dhammaan eedeymahaas, isagoo sheegay in “In si khiyaano ah loogu soo oogay dacwado uusan wax lug ah ku lahayn”. Intii ay socdeen baaritaannada, saraakiishu waxa ay ogaadeen in muddadii u dhaxeysay bilihii February ilaa August ee sanadkii hore uu Chandrasekhar hadiyado u diray Jaqueline Fernandez, kuwaasoo qiimahoodu uu ahaa ilaa 71.2m rupees. Hadiyadahaas waxaa ka mid ahaa boorsooyinka gacanta, dar, dahab, faras, gawaari loogu talogalay walaalaheed iyo waalidiinteeda, hanti iyo lacago caddaan ah. Fernandez ma aysan inkirin in ay heshay hadiyadahaas, balse Mr Patil, oo ah qareenkeeda ayaa sheegay in iyada qudheeda ay ka mid tahay “dadka dhibaneyaasha u ah” qorshe la soo maleegay. https://www.bbc.com/somali/articles/c99gkqjnw9ko +politics Waa kuma 'geesiga' Soomaaliga ah ee lagu tilmaamay inuu Kenya shalay ka badbaadiyay qalalaase? Baraha bulshada Kenya waxaa harreeeyay hadal heyn ku aadan taliye ku xigeenka booliiska Kenya, Nuur Gaaboow oo ah sargaal soomalai ah oo ay shacabka ugu hambaleynayaan kadib tallaabada ay ku tilmaameen in uu ka hortagay in qalalaaso uu ka dhaco xaruntii lagu tirinayey codbixintii doorashadii guud ee Kenya ee Bomas ee markii damabana looga dhawaaqay natiijada. Dadka qaar waxay Nuur Gaabow ugu yeereen ‘halyeey’ daacad ah oo aan wax cabsi ah muujin si uu dalkiisa u badbaadiyo. Waxaa la sheegay in Nuur Gaabow uu shaley amar siiyay ciidamadiisa xaqiijinayay amniga xarunta looga dhawaayay natiijiada si ay sugaan amniga kadib markii uu buuq iyo jahwreer uu hareeyay Bomas xilli la sugayay in lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxtinimada. Wakiilka madaxa doorashada ee Raila Odinga Saitabao Kanchory ayaa sheegay in kooxdiisu aysan awoodin inay hubsadaan qaar ka mid ah natiijada, sidaas darteedna aysan oggolana doonin in musharaxooda madaxweynenimo uu yimaado xarunta looga dhawaaqayay natiijada. Waxay isaga iyo kooxda Raila isku dayeen inay hor istaagaan guddoomiyaha guddiga doorashada. Dadka qaar waxay Twitter-ka uga mahadceliyeen taliyaha oo ay sheegeen in uu ka hortagay in ‘xaaladda ay faraha ka baxdo.’ “Waxaad ku mahadsan tahay Taliye Nuur Gaabow in aad la wareegto amniga Bomas kana hortagtay in xaaladda ay faraha ka baxdo” ayuu Twitter-ka kusoo qoray, Sanatarkii hore ee Mandheera, Bilow Keerow. Buuq iyo jahwareer ayaa shaley harreeyay xarunta Bomas ee looga dhawaaqay In Ruto uu ku guuleysatay doorashada madaxtinimada ee Kenya. Waxay u muuqatay in uu buuqa ka dhashay markii qof taageersanaa Raila Odinga uu isku dayay in uu hor istaago in uu hadlo guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati. Waxaana xaaladda dejiyay sarkaal ka tirsan booliska Kenya. Guddiga doorashada iyo xuduudaha ee Kenya, ayaa laba garab u kala qeybsamay, xilli la sugayey in lagu dhawaaqo natiijada kama danbeysta ah ee doorashadii guud ee ka dhacday dalkaas. Dr. Ezekiel Mutua, oo kamid ah shacabka reer Kenya ee adeegsada barta Twitter-ka ayaa sheegay in Nuur Gaabow ‘ uu dalka ka badbaadiyay in uu galo qalalaase’. “Mararka qaar ninka ragga ah wuxuu qaataa go’aanka ugu habboon si uu dalka u badbaadiyo, Nuur Gaabow, taliye ku xigeenka guud ee booliska waa ninkii shaley xasiloonida iyo kala danbeynta kusoo celiyay xarunta Bomas, badbaadiyay nolol badan kana hortagay qalalaase dhanka dastuurka ah, waa halyeey” ayuu yiri Dr. Ezekiel Mutua. Nuur Gaabow wuxuu xilal kasoo qabtay booliska Kenya oo uu ku biiray sanadkii 1989-kii. Ka hor inta uusan noqon taliye ku xigeenka guud ee booliska wuxuu ka tirsanaa taliska maamulka kuleejka booliska. Wuxuu heystaa shahaadada labaad ee jaamacadda, wuxuu ku takhasusay amniga, maamulka iyo ka hortagga dambiyada. https://www.bbc.com/somali/articles/c9rq6zrdreno +health Shaqadeedu waxey aheyd in ay badbaadiso balse dilkooda ayaa lagu eedeyay Kalkaalisadaan caafimaad ayaa loo haystaa dilka siddeed carruur ah iyo isku day dil 10 kale oo caruur ah waxaana haatan la diiday in qaab dammaanad ah lagu sii daayo maadama uu jiro tuhun ah in ay dilka ilmaha yaryar gaysatay. Lucy Letby, oo 30 sano jir ah kuna nool degaanka Hereford ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad ah inay shan will iyo seddex gabdhood ku dishay cisbitaalka Chester intii u dhexesay bishi lixaad ee sanadkii 2015-kii ilaa bishii lixaad ee sandkii 2016-kii. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay isku day dil shan wiil iyo shan gabdhood. Ms Letby ayaa dib loogu celiyay xabsiga kadib markii dhagaysiga dacwadeeda uu ka dhacay maxkamadda Chester Crown Dhegeysi dacwadeed dheeri ah ayaa lafilayaa inuu ka dhaco maxkamada sare ee Liverpool 18-ka bishaan Nofeembar. Booliska deegaanka Cheshire ayaa sameeyay 17 baaritaann bishii May ee sanadkii 2017-kii waxaana baaritaannadaas lagu sameeyay dhimashada 17 caruur ah oo ka dhacay Isbitaalka Chester intii u dhaxeeysay bilihii Maarso ee sanadkii 2015-kii iyo Juulay ee sanadkii 2016-kii. Ms Letby ayaa horey loo xiray sanadihii 2018-kii iyo 2019-kii. Mar kale ayaa dib loo soo xiray Tallaadadii iyadoo Arbacadiina lagu soo oogay dacwadahaan la xiriira in ay caruur dishay . Falkaan ayaa u muuqda mid walwal ku abuuray waalidiin badan waxaana boolisku sheegen in waalidiinta dhalay caruurta la dilay dhamanatood lala socodsiinayo waxyaabaha ku soo kordha arrimahaan,waxaana loogu baaqay qoysaska in ay booliska la shaqeyaan. https://www.bbc.com/somali/war-54940169 +sports Ciyaartoy geeriyooday kaddib markii uu istaagga ka dhacay isagoo garoonka ku jira "Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Nigeria (NFF) ayaa hakiyay tartankii ciyaaraha, iyagoo sheegay in la hubin doono adeegyada caafimaad ee dhammaan kooxaha ka tirsan horyaalka dalkaas kaddib markii uu maalintii Axadda ahayd geeriyooday ciyaartoy garoonka ku jiray. Chineme Martins, oo 22 jir ah ayaa istaagga ka dhacay xilli uu u ciyaarayay kooxdiisa Nasarawa United. Martins ayaa mar qura miyir daboolmay, isagoo uusan ciyaartoy kale la joogin, markii ay ciyaarta mareysay qeybtii labaad. Kooxda Nasarawa ayaa markaas la ciyaareysay kooxda kale ee lagu magacaabo Katsina United. ""Ciyaartoyga waxaa adeeg caafimaad u fidiyay dhakhaatiirta labada kooxood ... Markii dambena waxaa loola cararay isbitaalka Dalhatu-Araf Specialist ee magaalada Lafia, halkaasoo ugu dambeyntii lagu shaaciyay inuu geeriyooday"", ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray maamulka xirfadleyda Horyaalka Kubadda Cagta ee Nigeria. Meydkiisa ayaa lagu sameeyay baaritaan, si loo ogaado sababta keentay dhimashadiisa. Hase ahaatee Xiriirka Kubadda Cagta Nigeria ayaa sheegay in aan ciyaar kale la qaban doonin ilaa laga xaqiijiyo in dhammaan kooxaha ay heystaan qalab caafimaad oo dhammeystiran, sida uu qabo sharciga ciyaaraha ee dalkaas. Dad goob joogayaal ah ayaa laanta ciyaaraha ee BBC-da u sheegay in laga daahay in Martins loola cararo isbitaalka, maadaama uu gaarigii Gurmadka degdegga ah cillad yeeshay. Kooxda uu ciyaartoyga ka tirsanaa ee Nasarawa United ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin dhacdadan. Chineme Martins ayaa xilli ciyaareedkan afar jeer u saftay kooxdiisa. Wasiirka Ciyaaraha ee Nigeria, Sunday Dare ayaa geerida Martins ku qeexay ""mid laga qoomameeyo oo laga hortagi karay"", wuxuuna intaas ku daray ""in Wasaaraddu ay Xiriirka Kubadda Cagta la kaashan doonto howlaha lagu wajahayo baaritaannada la xiriira dhacdadan"". Waa markii labaad oo ay taageerayaasha magaalada Lafia la kulmaan musiibo. Bishii December ee sanadkii 2018-kii xiddiggii kooxda Kano Pillars, Dominic Dukudod, ayaa istaagga ka dhacay, oo geeriyooday, isagoo isku kululeynaya ciyaar saaxiibtinnimo ah oo ay la yeelanayeen kooxda Nasarawa United qudheeda." https://www.bbc.com/somali/war-51803051 +politics Waqtiga kama dambeysta ah ee lagu dhawaaqayo qofka ku guuleystay xilka madaxweynaha Kenya "Dadka ku nool waddanka Kenya iyo meelo kale oo dunida ka tirsan ayaa weli dhagta u taagaya ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxweynaha. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada iyo Xudduudaha Kenya, oo magacooda loo soo gaabiyo IEBC, ayaa haysta toddobo maalin oo ka billaabanaya maalinta ay codaynta dhacday. Taas waxay ka dhigan tahay in hadda ay kasii dhammanaayaan afar maalmood oo waqtigaas ah waxa u harayna ay yihiin saddex maalin oo ku eg Isniinta. Si kasta oo ay dib ugu sii dhacdo ku dhawaaqista oo loogu dheeraado tirinta codadka, ugu dambayn Talaadada waxaa la og yahay magaca madaxweynaha cusub ee Kenya. Waxaa suurtagal ah in waqti kasta oo hadda ka billowda lagu dhawaaqo natiijada kama dambaysta ah ee la wada sugayo. Natiijada kuraasta baarlamaanka ayaa muujinaysa in ay si aad ah isugu dhow yihiin labada nin ee uu loollanka adag ku dhex marayo kursiga madaxweynaha, oo kala ah Madaxweyne ku-xigeenka, William Ruto iyo Raysul Wasaarihii hore Raila Odinga. Xogta laga soo xigtay Guddiga Doorashada oo ay BBC-du ilaa hadda hayso waxaa ku cad in tirinta codadka uu hoggaaminayo Ruto, inkastoo Odinga uusan wax badan ka fogayn. Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Wafula Chebukati, ayaa sheegay in wakiillada 120 deegaan-doorasho ay soo gudbiyeen natiijada, waxaana tirada guud ee la sugayay ay ahayd 291 deegaan-doorasho. Waxaa la wada eegayaa dhinaca xarunta ay tirinka codadka iyo xaqiijintu ka socoto ee Bomas Kenya. Warbaahinta maxalliga ah ayaa si weyn loogu dhaliilay inay iska indho-tireen xogta Guddiga IEBC, ayna soo gudbinayaan tirooyin uu mid walba iskiis u sameeyay. Doorashadan ayaa noqotay mid aad uga duwan kuwii horay uga dhacay Kenya, sababtoo ah guddiga doorashadu toos uma aysan shaacinayn natiijooyinka hordhaca ah ee ay helaan. Tallaabadan ayaa u muuqata mid loogu hoggaansamayo amarkii Maxkamadda ugu sarraysa kasoo baxay 2017-kii oo ahaa in natiijooyinka cayriinka ah aan durba loo gudbin shacabka. Laakiin, warbaahinta ayaad mooddaa in ay mas'uuliyaddaas si toos ah dusha ugu riteen. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashada Kenya, Wafula Chebukati ayaa kula taliyay dadweynaha in ay dulqaad muujiyaan, isla markaana aysan ka walaacin tirooyinka codadka kala duwan ee ay warbaahintu soo bandhigeyso. Xarun kasta oo warbaahin waxay sameynaysaa tirin, iyadoo tixraaceysa xogta in ka badan 46,000 oo goob codbixineed. Laakiin, Guddiga Doorashada keliya ayaa ku dhawaaqi kara natiijada kama dambeysta ah iyo cidda guuleysatay. ""Waa inaan laga argagaxin kala duwanaanshaha aan ku aragno shaashadaha warbaahinta. Natiijadu waxay ka soo baxaysaa hal meel oo isku mid ah; habka ay wax u mareyso [warbaahinta kasta] way ka duwan tahay tan kale,"" ayuu yiri Chebukati. Kooxo saxafiyiin ah oo ka howlgala xarumo kala duwan ayaa ku jira howl culus oo ay mid mid u soo gudbinayaan tirooyinka laga helay goob kasta oo ka mid ah goobaha cod-bixinta. Warbaahin kasta waxa ay wax ku saleyneysaa xowli ka duwan kuwa kale oo ay si gaar ah ugu xulanayso goobaha codbixinta. Marka ay timaado Guddiga, marka la ururinayo natiijada, saraakiishu waxay u baahan yihiin inay mid walba xaqiijiyaan - waa howl kale oo waqti badan qaadanaysa. Mas’uuliyiinta ayaa hadda is barbar-dhigaya natiijadii uu Guddigu ka helay goobaha cod-bixinta oo isugu jira qaab sawir ahaan ah iyo warqadda dhabta ah ee natiijada lagu diiwaangelinayo, taasoo lagu wareejinayo xarunta codbixinta ee caasimadda Nairobi. Waxaa sidaas loo yeelayaa si loo hubiyo in labada natiijo ay iswaafaqaan, waana sababta ugu muhiimsan ee ay arrimuhu u qaadanayaan waqtiga dheer. Tirinta codadka qaar ka tirsan goobaha cod-bixinta ayuu sidoo kale dib-u-dhac ku yimid, iyadoo safarradii loo geli lahaa Nairobi, gaar ahaan wakiillo ka yimid meelo fogfog, waxay noqon kartaa arrimo kale oo ka qeyb qaadanaya dib-u-dhaca. Dad badan waxay iswaydiinayaan hannaanka loo maro ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxweynaha Kenya, oo ula muuqata in ay aad u daahday. Tallaabooyinka ka horreeya go'aanka kama dambaysta ah ayaa kala ah sidan. Tan iyo Khamiistii waxaa socda xaqiijinta uu guddoomiye Chebukati ku samaynayo warqadaha ugu dambeeya, isagoo laga filayo in marka uu soo gabagabeeyo uu shacabka dalkiisa iyo caalamkaba u sheego madaxweynaha Kenya maamuli doona shanta sano ee soo socota." https://www.bbc.com/somali/articles/cxekgl7mzrvo +politics Booliis iyo dibadbaxayaal isku ceyrsanaya waddooyinka magaalooyiinka Mareykanka "Booliiska iyo dibadbaxayaasha ayaa isku dhacay magaalooyiin ku yaalla dalka Mareykanka, xilli ay sii xoogaysanayan dibadbaxyada caradii ka dhalatay dilkii ninkii madowga ahaa, George Floyd. Waxaa foodda is daray dibadbaxayaasha iyo booliiska magaalooyiinka, New York, Chicago, Atlanta, Philadelphia iyo Los Angeles. Booliiska ku sugan goobaha ka xeeran aqalka cad ee ku yaalla magaalada Washington ayaa suntan dadka ka ilmaysiisa ku riday dibadbaxayaal tuurayay dhagxaan. Ku dhawaad 40 magaalo ayaa Bandow lagu soo rogay, balse dibadbaxayaal badan ayaa bandowga iska indha-tiray taasi oo keentay in booliiska ay isku dhacaan. Magaalada Minneapolis oo ah goobtii ay booliiska ku dileen George Floyd, ayaa waxaa la xiray darawal gaari kuwa xamuulka qaada ah oo gaariga si xawaara ah u waday kuna socday dhanka dibadbaxayaasha. Ciidamo ay tiradooda dhan tahay 5000 ayaa loo daadgureyay magaalooyiinka ay dibadbaxyada ak socdaan si ay booliiska gacan u siiyaan. Geeridii George Floyd ayaa waxaa dhashay dibadbaxyo guud ahaan dalka Mareykanka, iyada oo ay dibadbaxayaasha ay ku baaqayaan in la soo afjaro dhibaatooyiinka ay booliika geystaan. Mr Floyd ayaa ahaa nin madow ah oo aan hubeysnayn islamarkana askari ka tirsan booliiska uu luqunta in ka badan 8 daqiiqo jilibka kaga hayay isaga oo ku qaaylinayay""ma neefsan karo"". Isniintii , ayaa askari lagu magacaabo Derek Chauvin uu jilibka dhulka kula nabay isaga oo lagu eedeeynayo in uu goob dukaan ah uu wax uga iibsanayay 20 doolar oo been abuur ah. Derek Chauvin ayaa xabsiga loo taxaabay, islamarkana lagu soo oogay dacwad ah in uu dil gaystay. wuxuu ka mid yahay afar askari oo shaqada looga eryay sabab la xiriirka dhimashadii Mr Floyd, oo Isniintii geeriyooday isagoo ku jira gacanta booliska. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday mudaharaadyo rabshado iyo boob sababay oo ka dhashay caradii laga qaaday muuqaal baraha bulshada ku faafay oo laga arkayay askari jilibka qoorta uga haya George Floyd." https://www.bbc.com/somali/war-52873156 +health "Jaceylka iyo feyraska Korona: ""Waxaa raaligelin lama filaan ah ii soo diray saaxibkeygii hore""" "Qoraal ay haweeney soo dhigtay barta Online-ka ee Reddit waxaa ka dhashay dareen xooggan kaddib markii uu raali gelin lama filaan ah usoo diray qofkii ugu horreeyay ee uu xiriir jecel kala dhexeeyay, taas oo timid markii la soo rogay xayiraadda ka hortagga fiditaanka fayraska Korona. BBC-da waxay la hadashay dadkii soo diray farrintaas iyo kuwii helay raaligelinta lama filaanka ah xilligan lagu jiro xaaladda cakiran ee cudurka Covid-9. Waxay aheyd galabnimo Jimca ah xilligaas oo lagu gudo jiray oo guriga ay joogtay, Irina waxay ku mashquulsaneyd Koombiyuutarkeeda oo ay kala socotay wararka. Waxay markiiba ka argagaxday farriin uu soo diray wiilkii ugu horreeyey ee ay is jeclaadeen wuxuuna ku yiri: ""Irina, waxaan ogahay in farriintan ay fajac kugu abuuri doonto ka dib sannado aan kala maqneyn"". Waxay aheyd 16 sano jir markii ay isbaranayeen James, waxay u aragtay in xiriirka jecel uu yahay mid iska caadi ah oo ay ku tallaabsadeen gabdhaha asaageeda ah. Waxay ku dhalatay magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, Irina waxay Britain u tagtay waxbarasho, markii ay jirtay 14 sano, waalidkeeda waxay ka dhaadhiciyeen inay wax ka soo barato Iskuul la seexdo oo ku yaalla meel ka baxsan dalkeeda. Irina markii ay timid England nolosha ayaa ku adkaatay waxay la qabsan weyday dhaqamada ka jira halkaas. Waxay bilowday inay yeelato saaxib. Xilli duhur ah oo ay ku sugneyd barxad lagu nasto waxay indhaheeda ku dhaceen wiil la yiraahdo James oo ay is barteen. Hal sanna ayuu ka weynaa Irina, wuxuu ahaa nin dheer oo joog iyo itaal qurxoon leh. Waxaa markii dambe Irina iyo James dhexmaray jeceyl qoto dheer. ""Waxaa muhiim ah in James uu noqday qof deggan, marka waxaa muhiim ah in marka aad jirto da'dan aad xaaladdan doorbiddo,"" ayay tiri Irina. Labo sanno kaddib, gabdho ay saaxibo yihiin Irina ayaa ku wargeliyay in wiilkii ay isjeclaayeen ee James uu khiyaanayo. Irina waxay durbadiiba ka maseertay James, waxay go'aan ku gaartay in uusan sii socon doonin xiriirkooda, waxayna u sheegtay ""in mar dambe uusan soo wici karin"". Waxay aaday jaamacad kale halkaas oo ay nolol cusub ka bilowday. James dhowr sanno kaddib wuxuu hambalyo u diri jiray gabadhan gaar ahaan farxadda xuska dhalashadeeda, markii dambe Irina waxay sheegtay in midkood oo ka wanaagsanaado midka kale ay horseedi karto in dib loo dhisi karo jeceylkooda. Jawaabtii James waxay ahayd mid wanaagsan oo degganaan ay ku dheehan tahay. Balse markii ay u soo jawaabi wayday Irina wuxuu u qoray: haddaba aniga mardambe farriin kuuma soo dirayo. Irina waxay markiiba gaartay go'aan ah in lasoo afjaray xiriirkii kala dhexeeyay James. Sannado ka dib, Irina waxay shaqo ka heshay mid ka mid ah shirkadaha teknooloojiydda, waxaa magaaladii ay ku sugneyd ka dilaacay fayraska Korona. Irina waxaa la siiyay Koombiyuutar si ay guriga uga soo shaqeyso maadama halkaas looga dhawaaqay xayiraadda ka hortagga cudurka. Xilli ay guriga ka shaqeyneysay waxaa usoo dhacay Email uu soo diray ninkii ay horey u kala tageen ee James. James wuxuu farrintiisa ku sheegay in xayiraadda ka hortagga Korona ay ku qasabtay in uu wax ka baddalo dabeecadihiisii hore isla markaan uu go'aansaday in uu raali gelin ka bixiyo ficiladii uu horey ugu dhaqaaqay xilligii uu da'da yaraa. wuxuu u sheegay in uu dareemay welwel markii uu dib u akhriyay farriimihii uu u diri jiray Irina. Sidoo kale wuxuu u sheegay in gabadha uusan weligiis khiyaanin. James wuxuu u sheegay Irina ""in uu hadda bilaabay barnaamij samafal ah oo uu ku caawinayo dadka uu saameeyay xayiraadda, sidoo kalena la joogo xilligii ay dadka is naxariisan lahaayeen."" Irina markii ay akhrisatay farriinta James waxay sheegtay in qof kasta uu khalad galo gaar ahaan marka aad da'yartahay. Waxayna sheegtay inay cafisay. Chris ayaa farrin u diray Sarah xilli ay guriga iska joogtay xayiradda coronavirus aawadii. Markii ugu war dambeysay ee uu arko Sarah waxay aheyd xilli ay waalbahaarsaneyd oo ay ooyneysay, waana markii uu cidleeyay gabadhaas, waxaana ka dhexeeyay jecel, waxayna u haysay galgaceyl xilligii uu isaga go'aansaday inuu ka tago. Welwel iyo walbahaar ayuu ku soo dhammaaday jeceylkoodii 8-bilood jirsaday. Hadda oo laga joogo 7 sanno markii ay kala tageen waxaa markasta maskaxda Chris ku soo dhacaya Sarah oo ilmeyneysa iyadoo jiifta xilliggaas oo uu go'aansaday in uu isaga tago Sarah. Chris waxaa 10-kii bishii March u bilowday xayiradda ka hortagga cudurka, waana maalinkii guddiga qaran ee xaaladaha degdeg ee Mareykanka uu ku taliyay in la xiro goobaha lagu caweeyo iyo huteelada, madaxweynahana wuxuu ku amray dadka in guryahooda ay ka soo shaqeeyaan. Chris wuxuu kici jiray subixii si uu aado saldhigga ciidammada halkaas oo ka shaqeyn jiray qeybta Teknooloojiyadda, wuxuu keligiis ku noolaa guri u dhaw saldhigga ciidammada ee ku yaalla gobolka Missouri. Waxaa markasta maskaxdiisa ku soo dhaceysay ""waayihii ay isla soo mareen gabadhii ugu horreysay ee uu jeclaaday"". Waxay markii ugu horreysay Sarah is barteen iyagoo 18 sano jirro ah xilliggaas oo ay ku sugnaayeen kuliyadda militariga. Chris oo hadda 26 sano jir ah wuxuu yiri: ""Wakhti badan ayaan isla soo qaadanay, qorshaheenna ayaan isla meel dhignay... wuxuu ahaa jeceyl qoto dheer"". Sarah iyo Chris waxay isla soo mareen caqabado badan markii ay dhiganayeen kuliyadda militariga. Markii uu u sheegay in jeceylka aysan sii wadi karin, Saraha wey ilimeysay. ""Waa tallaabo lama filaan ah in la soo afjaro jecelkeena"", ayay tiri Sarah. Wixii xilliggaas ka dambeeyay ma sameyn jirin wax xiriir ah balse waxay ahaayeen dad is kala socda baraha bulshada. Chris ayaa 19-kii bishii March farrintan u qoray Sarah. ""Sarah waxaan ogahay in muddo dheer aan kala maqneyn balse waxaan fahansanahay in qaabkii aan ku soo afjarnay jeceylkeena uu ahaa mid qalad ah, sidii aan kuula dhaqmay markii aan soo afjareynay jeceylkeena waxay aheyd tallaabo xannuun badan oo fool xun oo dhibaato kugu reebtay adiga"", ayuu yiri. ""Waan ogahay in muddo dheer aan kala maqneyn waana qiranayaa arrintaas, kawaran xaaladddaada"". Waxay markiiba Sarah ku jawaabtay ""waan fiicanahay"". Waxaana markiiba ay bilaabeen in farriimaha ay isweedaarsadaan. ""Waxay igu tiri 'ima aysan arki karin sababta oo ah waxaan ahaa qofkii xanuunka ku reebay',"" ayuu yiri Chris. ""Hadda waa laga gudbay dhammaan arrimahaas, waxayna garwaaqsatay in aan nahay dad aan isku qalmin"" Chris wuxuu sidoo kale farriin raali gelin ah u diray gabadh uu xiriir jecel kala dhexeeyay oo la yirahdo Lisa. Waxay is barteen sannadkii 2016-kii, Chris iyo Lisa waxay ku kala noolaayeen laba magaalo, waxay ku nooleyd magaalada Washington DC. Inta badan waxay ku xiriiri jireen Online-ka. ""Waxaan markasta ku wada xiriiri jirnay baraha bulshada,"" ayuu yiri Chris. Dhalashada sannadkii 2018-kii Lisa iyo Chris waxay markii ugu horreysay ku kulmeen goob lagu caweeyo halkaas oo ay ku wada sheekeysteen, waxay makii dambe kuwada cabeeyeen goobta, muran ayaa soo kala dhexgalay Lisa iyo Chris, halkaas ayaana isugu dambeysay labadooda. Chris wuxuu hadda farrin u diraya Lisa. ""Waxaad tahay qof agteyda qiimo weyn ku leh, waxaan kaa raaligelinayaa dhibaato kasta oo aan habeenkaas kuu geystay, waan ogahay in aan kugu xaadgudbay mana fileyn arrintaas, kawaran xaaladda iyo xayiraadda"". Maalinkii dambe, Lisa waxay ka soo jawaabtay farriinta uu Chris u diray. Waxay sheegtay inay fiicantahay isla markaana ay hadda tahay marwo oo la guursaday. Waxay u muuqatay in aysan dooneyn hadalkiisa, wax jawaab ah oo ku saabsan raaligelintiisa ma aysan bixin. Chris waxaa uu sheegay in uu ku rajo weynaa in dumarkan uu raaligeliyo xitaa haddii aysan jiri laheyn xayiraadda ka hortagga safmarka. Nastaran Tavakoli-Far oo tebisa barnaamij la yiraahdo The Gender Knot oo lagu baahiyo Internet-ka kana hadlo dhaqamada dadka, ayaa sheegtay in ay ""jiraan sababo iska cad oo sharraxay sababta aan usoo xasuusano dhaqamadeena, waxaan dhamaanteen helnay wakhti aan uga fakarno waxyaabaha qaar oo aan horey u sameyn jirnay, si aan isaga ilaalino xusuusta ficiladii hore, waxaana meesha ka baxay sida safarka, kulamada dadka iyo socodka"". ""Dhinaca kale, waxaad heysataa fursad ah in aad ka baaraan degto marka aad dhiseyso xiriir jeceyl, waa in aad is weyddisaa su'aalaha lagama maarmaanka ah ee ku saabsan hadafka nolosha iyo waxyaabaha dhaxalgalka ah"". Waxay sidoo kale sheegtay in raaligelinta ay u baahantahay in marka hore laga fakaro. ""Weligaa ha u sameyn raaligelinta in aad ka fiicnaato qofka kale balse go'aanka ugu horreeyay ee raali glinta waa in uu ahaadaa mid isbeddal kuu horseedaya"". ""Waa in aad ka fakartaa raaligelinta ku saabsan waxyaabo xun ee horey u dhacay, marka qofka aad u direysa raali gelinta waxaa laga yaabaa in aad welweli u horseeddo taas oo uusan hadda u baahneyn""." https://www.bbc.com/somali/war-52962169 +technology Shaqooyinka ay halista ku hayso teknooloojiyadda Waxaa jiraa shaqooyin qaar oo ka ciribtirmi doono dunida maadama ay soo ifbaxayaan aalado casri ah oo qaban karaa shaqooyinkaas xilli dunida ay ku tallaabsatay horumar weyn oo dhanka horumarinta shaqooyinka iyo waxsoo saarkaba. Hadda iska jir shaqooyinka qaar ee qarka u saaran in la waayo sanadaha soo socda. Darawalnimada ayaa kamid ah shaqooyinka meesha ka bixi karo xilli waaxyaha gaadiidka adduunka la casriyeeyay taas oo wax ka baddali karto dhammaan sida loo howlgeliyo. Waxaa jiraa malaayiin qof oo ku tiirsan shaqada darawalnimada oo ka cabsi qaba in arrintani ay saameyso mustaqbalka. Sida laga soo xigtay xarunta Goldman Sachs , dad lagu qiyaasay 3 malyan oo ku nool Mareykanka ayaa halis ugu jiraa inay waayaan shaqooyinkooda maadama ay soo korodhay teknooloojiyada casriga ah ee lagu kaxeeyo baabuurta. Isbaddallada lagu saameeyo gaadiidka adduunka ayaa sii ballaaranayaa, 25-ta sano ee soo socota waxaa yaraan doonaa shaqooyinka darawalnimada. Haatan waxaa dunida la wareegay qalabka teknooloojiyadda oo ganacsigii iyo suuqyada qabsaday, xitaa dowldaha qaar waxay bilaabeen xoojinta xirfadaha la xiriira teknooljiyadda. Dowladda Jarmalka waxay bilowday inay taageerto mashruucan isla markaana waxay daneysay qorshaha ku aadan baabuurta sida iskood ah isku kaxeynayo. Waxay sheegtay in meesha lagu gaaro 2040 in baabuur lagu qiyaasay 33 milyan ay geli doonaa waddooyinka dalkaas kuwaas si iskood ah isku kaxeyn doono. Waa arrin wareerkeeda leh maadama bukaanada ay ku tiirsan yihiin dhakhaatiirta. Kadib saameynta ka dhalatay safmarka Karoona wuxuu isbaddallo ku yimid waaxyaha caafimaada adduunka, waxaana la xaqiijiyay in xitaa dhakhaatiirta ay ku adkaatay inay ogadaan cudurrada qaar taa baddalkeedana lagu ogaado teknooloojiyadda. Waxaana shaqadan halis gelinayaa qalabka casriga ah ee caafimaadka qaabilsan sida adeegsiga adeeg la yiraahdo 'telemedicine' oo horseedi karo in dhakhtarka uu xaaladda la socdo adiga oo jooga meel fog. Waxay tani dhalin kartaa in laga maarmi karo dhakhaatiir fara badan maadama la adeegsanayo qalab casri ah. Kadib saameynta Karoona, shaqaalaha caafimaadka waxay safka kaga jireen la tacaalidda bukaanada uu ku dhacay Covid-19 sidaa darteed qaarkood waxay halis u galeen in uu ku dhaco cudurka, tani waxay horseedi kartaa in uu hoos u dhac uu ku yimaado tirada shaqaalaha caafimaadka ee adduunka. Dadka waxay haatan isaga tageen maalmihii buugaagta lagu soo akhrin jiray maktabadaha iyo cilmo baarista lagu soo sameyn jiray, wax kasta waxaa baddalay dunida casriga ah. Haatan waxaa dunida ka howlgalaa maktabado casri ah. Xitaa baryahan dambe waxaa buugaagta laga heli karaa internetka oo qofka dhaalacan karo isaga oo gurigiisa joogo. Ma dhabbaa in dayaxa la tagay? Lacag intee leeg ayaa ku baxaysa haweenaydii ugu horraysay ee dayaxa u safraysa? Teknolojiyad cusub oo dhalinyarada ka caawineysa qorshaha guurka Maalmihii hore waxaa jiri jiray qof lacagaha ka uruuriyay xarumaha ganacsiga iyo goobaha kaleba isaga oo kuu soo celinayo baaqikaaga. Dunida casriga ah waxay horseeday in dadka intooda badan aysan adeegsanin lacagaha caddaanka ah. Waxaa soo ifbaxay adeegyo casri ah oo lacagaha lagu xawisho ama lagala baxo. Bangiyo badan oo adduunka ku yaalla, waxay haatan yareynayaan shaqaalaha maadama adeegyadaha lacagaha lagu sameeyo adeegyada casriga ah ama Digital-ka. Mustaqbalka waxaa dhici kartaa in bangiyada qaar ay iska xiraan xarumahooda maadama adeegyada ay ku fulin doonaan Online-ka. Dunida waxaa haatan si weyn loo maalgelinayaa ganacsiga Online-ka maadama adeegyada la xiriira lacagaha laisku marsiin karo halkaas. https://www.bbc.com/somali/war-58611233 +sports Muxuu garoonka Stadium Muqdisho ku muteystay in FIFA ay aqoonsato? "Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium ee dhawaan la dayac tiray u aqoonsatay garoon caalami ah kaddib markii sida uu xiriirkaasi sheegay lagu qancay tayada cawska macmalka ah ee yaalla garoonkaasi. FIFA ayaa sheegtay in tayada cawska yaalla garoonka muqdisho Stadium uu gaarsiisan yahay heerka caalamiga ah ee garoomada kubadda cagta ee adduunka, taas oo ka dhigan in garoonkaasi lagu qaban karo ciyaaro caalami ah muddo sanad ah. Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa BBC u sheegay in FIFA ay guddoonsiisay garoonka Muqdisho shahaado muujineyso in uu waafaqsan yahay nidaamka kubadda cagta ee caalamiga ah. ""Wuxuu garoonkeena ku guuleystay in lagu qaban karo ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda cagta haddey noqon laheyd kuwa FIFA ay qabanqaabiso ama haddii ay noqon laheyd kuwa qaaradda Afrikaba"" Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ku dheeli doonaa garoonka Muqdisho maadama markii hore ay ku dheeli jireen garoomada ku yaalla Jabuuti xilliyada ay socdaan ciyaaraha caalamiga ah. ""Soomaaliya waxay usoo gudubtay in aan abaabulan karno ciyaaraheeni aan ku cayaari jirnay waddanka Jabuuti in aan dalkeeni ku ciyaari karno, waana wax caadi ah oo waddamada markii ay garoomada dhigtaan cawska macmalka ah ay FIFA u ansixiso in uu leeyahay tayadii loogu talagalay"" ayuu yiri Cabdiqani Siciid Carab. Wuxuu sheegay in garoonka haatan uu leeyahay qalab gaar ah oo loogu talagalay dayactirka iyo ilaalinta bilicdiisa. ""Garoonka hadda wuxuu leeyahay qalab lagu dayactiro laguna ilaaliyo nadaafaddiisa loogana hortagga in garoonka wax dhibaata ah aysan gaarin, garoonka wuxuu kaloo leeyahay qalab qabboojiye ah oo ay biyo ku jiraan oo xilliyada kuleelaha logu talagalay in lagu waraabiyo garoonka..markaa qalabkiisa wuu dhameystiran yahay waxaana loo tababaray shaqaale oo xirfaddaas la baray "" Garoonkan ayaa sanadkii hore waxaa ka baxay ciidamada AMISOM oo halkaa in kabadan toban sano saldhig ku lahaa, waxaana lagu dayac tiray qaab iskaa wax u qabso ah. Garoonka oo dad badan ku tilmaamaan in uu yahay 'jowharta astaanta u ah nabadda"" ayaa waxaa la dhisay sanadkii 1978-dii, waxaana dhisay injineero shiinees ah, iyada oo maalgalinta ay lahayd dowladda Shiinaha oo markaas bah wadaag la ahayd dowladdii hanti wadaagga ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Garoonka Stadium Muqdisho ‘jowhartii’ dib usoo bidhaantay Diyaaradii Muqdisho loo afduubtey 40 sano ka hor oo la dhigayo madxaf ku yaala Jarmalka Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la xirayo xilliga caleemo saarka Farmaajo Garoonka waxa uu ka tirsanyahay waxa loo yaqaano xaafadda ciyaaraha oo ka kooban garoomo dhawr ah oo is dhinac yaala, kuwaas oo loogu talogalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan. Waxaa ka dhisan garoonka dabaasha, kan kubbadda kolayga, kan miiska, iyo xitaa qeybo loogu talogalay ujeedooyin kale. Garoonka kubbadda cagta waxa uu markiiba qaadi kara wax ka badan 40 kun oo qof markiiba. Waxa uu lahaa dhammaan tasiilaadkii garoon loogu talogalay sida leerarka waaweyn ee suurtogalin kara in habeenkii lagu ciyaaro, qeybta gaar ah ee ay madaxda fariistaan, qolalkii labista ee ciyaartooyda, albaabadii waaweynaa ee ay dadka kasoo galayeen, xafiisyadii shatiyada ciyaaraha laga jaranayay." https://www.bbc.com/somali/war-54564991 +health Afar arrimood oo been abuur ah oo ku saabsan HIV "Markii ugu dambeysay ee Paul Thorn uu arkay waaliddiintiisa, waxay tuureen weelkii uu wax ku cunay iyagoo ka baqaya inuu cudurka qaadsiiyo. Markii lagu sheegay HIV sanadkii 1988, wuxuu ku qasbanaaday inuu joojiyo tababarka kalkaaliyenimada. ""Waxaan da'aadkeygii 20-naadka ku noolaa cabsi,"" ayuu yiri. Haatan Paul, oo ku nool UK, badanaa kama fekero fayraska - marka laga reebo in maalintii uu kaniini liqo iyo inuu dhaqtarka booqdo sanadkiiba labo jeer. Dadka la nool HIV ee hela daaweynta waxay noloshooda inta ka dhimman u noolaan karaan si caadi ah - aragtiyada duugga ah ee aan saxda ahayn ee ku saabsan inaad fayraska ka qaadi karto inaad qofka weel wax iskula cuntaan ayaa meesha ka baxay. Balse warbixinno been abuur ah oo dhaawca geysna kara ayaa weli la isla dhex marayaa. Doreen Moraa Moracha oo ka soo jeedda Kenya waxay ku dhalatay HIV, balse waxay keliya ogaatay sanadkii 2005, iyadoo jirtay 13 sano. Xayeysiin ay telefishinka ka aragtay ayaa horseedday inay aaddo nin ku nool Tanzania oo sheeganaya inuu yahay dhaqtar dhaqameed, isla markaana sheegay in Doreen iyo hooyadeed uu ka daweyn karo HIV. ""Waanu cabnay dawo-dhaqameedka uu iibinayay waxaana soo laabannay annaga oo aaminsan inaan ka caafimaadnay HIV"", ayay tiri. Waxay kaddib joojisay qaadashada dawada anti-retrovirals - oo ah daawo joojisa in xanuunka uu qofku soo rito - ilaa markii dambe ay dareenta in xanuunku soo ritay. Xanuunka ayaa dhiiggeeda ku faafay, dhaqtarkeeda ayaana u sheegay in haddii fayras kale uu jirkeeda ku dhaco uu dili karo. Way u caddaatay in dhaqtar-dhaqameekaasi uu ahaa mid dadka dhaca. Balse sheegashada ku saabsan in HIV uu daawo leeyahay waa wax guud sida uu qabo Dr Adeeba Kamarulzaman, oo ah dhaqtar ku takahsusay xanuunnada faafa iyo madaxweynaha ururka caalamiga ah ee dadka la nool AIDS-ka. Haatan ma jiro tallaal amaba daweyn xanuunka HIV ah, inkastoo sheekooyinka dhowaanahan soo baxay ee ku saabsan dad ka caafimaaday fayraska ay rajo keeneen. Bishan dhexdeeda haweeney ku nool Argentina ayaa noqotay qofkii labaad ee loo aoqonsado inay ka caafimaadday HIV sababo la xiriira difaaceeda jirka oo sarreeya. Joyce Mensah - oo ka soo jeedda Ghana balse u guurtay Jarmalka si ay uga baxsato takoorka - ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in faham darrada laga qabo xaaladdeeda ay horseedday inay weyso shaqdaeda, xiriirka ay dadka la lahayd kuna kalliftay inay dalkeeda ka cararto. Waxay sheegtay in faquuqa uu ka yimid faham darrada laga qabo in marba haddii qofku uu ku dhaco HIV, uu mar walba u gudbin karo lammaanihiisa amaba cunuggiisa. ""Markii qofku uu soo bandhigo inuu qabo HIV una sheego xubin qoyskiisa ka tirsan amaba lammaanihiisa...dadku waxay qabaan aragtidan khaldan oo ah inaysan 100% badaado ahayn,marba haddii aad qabto xanuunka, waad qabtaa"". Xaqiiqdii, marka uu qofku qaato dawada anti-retroviral muddo dheer oo aan wax fayras ah lagu arkin dhiiggooda, ma isu gudbin karaan sababtoo ah ma jiro caabuq la cabbiri karo oo ay gudbin karaan. Weli way qabaan HIV waxayna u baahan yihiin daaweyn joogto ah. Joyce Mensah waxay dhashay afar carruur ah intii ay daaweyntu u socotay, midkoodna kuma uusna dhicin fayraska. In hooyadu ay ilmaha u gudbiso xanuunka waxaa looga hortagi karaa daaweyn ku habboon, maaddaama hadda si weyn loo adeegsadana arrintaas kala bar way yaraatay tan iyo sanadkii 2010. Marka tan laga soo tago, gabadheeda oo ku nool Ghana ayaa iskuulka laga soo cayriyay iyadoo la aaminsanaa inay qudheeda qabto fayraska - isla markaana ay dadka kale qaadsiin karto. Ian Green, oo ah madaxa hay'adda samafalka Terrence Higgins Trust ee UK, oo la nool HIV, ayaa yiri ""arrinta keliya ee ugu weyn ee heysata dadka la nool HIV, iyo waxyaabihii aan la kulmayba, waa inaad aalaaba naftaada u eegto sida qof gudbiya xanuunka. ""Muddo sanado ah, waxaan aad uga baqayay inaan xanuunka u gudbiyo qof kale. Inaan haaatan ogaado inaysan suurtogal ahayn inaan gudbiyo fayraska, waa wax weyn oo aan xorriyad ku dareemayo"". Iyadoo uusan HIV haatan ahayn xukun dil ah, dadka la nool xanuunkaasna ay ku noolaan karaan nolol caadi ah, haddana qaar ka mid ah dadka u ololeeya xnauunka ayaa aaminsan in wararka been abuurka ah ay yeelan karaan saameyn weyn. ""Horumarro weyn ayaa laga gaaray daawyenta HIV iyo hababka ka hortagga, balse fahamkan ah in AIDS-ku uu dhammaaday, marka laga hadlayo ka hortagga - ma aha mid wax tar leh, iyo sidoo kale maalgashiga baadigoobka daawada HIV"","" ayuu yiri Dr Kamarulzaman. HIV waa fayraska weerara difaaca jirka haddii aan la daaweyn wuxuu noqonayaa AIDS - oo ah cudur sababa in jirku uusan iska difaacin caabuqyada yar yar. Sanadkii 2020, ilaa 38 milyan oo qof oo guud ahaan dunida ku nool ayaa la noolaa HIV qiyaastiina 700,000 ayaa u dhintay xanuunno la xiriira AIDS-ka. Paul Thorn ayaa aaminsan in da'yarta ay aaminsan yihiin in xanuunku uu yahay wax dadkii hore uun ku dhaca, isla markaana aysan ka heysan wax wacyigelin ah. Iyadoo da'yartu ay u arkaan xanuunka HIV wax dadkii hore uun ku dhaca, haddana dadka qaar ayaa aaminsan inuu ku dhaco dad gaar ah oo bulshada ka mid ah. Guud ahaan dunida, kala bar dadka qaba HIV ayaa haween ah waana kan ugu daran ee dila haweenka ku jira da'da dhalmada, sida ay qabto Christine Stegling oo ka tirsna hay'adda samafalka ee Frontline AIDS. Balse haween yar oo ay la hadashay ayaa ka war qaba khatarta xanuunkan. ""Waa xog aad muhiim u ah sababtoo ah haweenka da'daas ah iyo kuwa doonaya inay uur qaadaan waxay dhib ku qabaan ka hadalka galmada aan laga taxadarin,"" ayay tiri. Iyadoo horumar ballaaran laga sameeyay xanuunkan HIV, haddana wararka been abuurka ah ee weli la isla dhex marayo ayaa dadka u horseedi kara shaqo la'aan, xiriirka bulshada oo ay gabaan, inay helaan daaweyn sax amaba xitaa baaritaanka xanuunka." https://www.bbc.com/somali/war-59506752 +religion Idaacadda Qur'aanka Kariimka: Maxay tahay sheekada majaajilaystaha lagu eedeeyay inuu idaacaddaas liiday? "Dadka isticmaala baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee Masar waxa ay weerrar culus ku qaadeen majaajilayste u dhashay dalkaas oo lagu magacaabo Maxamed Ashraf, kaddib markii uu baahay muuqaal lagu eedaynayo inuu liidayo oo uu wax u dhimayo Idaacadda Quraanka Kariimka. Dadka isticmaala barta Twitter-ka waxa ay sameeyeen hal ku dhig ay ugu magac dareen '#Taageer_Idaacadda_Qur'aanka_Kariimka' kaas oo Masar ka noqday midka ugu badan ee ay dadku hadalhayaan oo misana soo jiitay in ka badan 13 kun oo farriimood. Dadka bartaas isticmaala waxa ay isku khilaafeen aragtida ay halkaas ku soo bandhigayeen. Waxaa jira qaar hadalka majaajilaystaha u arkay mid wax u dhimaya Idaacadda Quraanka Kariimka, halka ay jiraan kuwo kale oo u arkay inuu ahaa hadal lagu qoslo oo aan idaacadda wax u dhimayn. Nin lagu magacaabo Cabdulqaadir ayaa Twitter-ka ku qoray: ""Ninkan loogu yeero Maxamed Ashraf... ee badalan ee ku jeesjeesaya Idaacadda Qur'aanka Kariimka, waa adiga qofka internet-ka dhibkan ka bilaabay, arrintan ma waxaad u samaynaysaa sidii aad caan ku noqon laheyd oo aad diintana ugu jeesjeesaysaa? Oo maxaad ismoodday markaad ku jeesjeesaysid culimada diinta."" Dhanka kale dad badan ayaa difaacay majaajilayste Maxamed Ashraf, iyagoo u arka inuu wax ka sheegay uun soo saarayaasha baraamijta Idaacadda Qur'aanka Kariimka ee uusan liidin idaacadda. Yuusuf Casaam ayaa soo qoray: ""Maxamed qalad kama uusan gelin diinta iyo Islaamkaba, qof uu caayana ma ay jirto, ee wuxuu wax ka sheegay qaabka iyo habka loo tabiyo Idaacadda Qur'aanka Kariimka, waxa uu yiri 'markii uu yaraa waxa uu ka cabsan jiray sababta uu weriyuhu u samaynayo sidaas iyo sidaas iyo sidaas'."" Sidoo kale Idaacadda Qur'aanka Kariimka ee Masar ayaa arrintaas ka falcelisay oo waxa ay barta ay Twitter-ka ku leedahay soo dhigtay: ""Idaacadda Qur'aanka Kariimka ee Qaahira, waxa ay u mahadcelinaysaa dhammaan dadka ka falceliyay #Taageer_Idaacadda_Qur'aanka_Kariimka. waxaan leenahay 'Allaha idinka abaalmariyo, idinkuna anfaco, idinkuna ciseeyo Islaamka, kuna liibaana Mustafaha N.N.K.H. Allaha ha idin kulansiiiyo nebiga iyo malaa'igtiisa cajiibka ah, ku salliya sayidkeenna Muxamed N.N.K.H iyo dhammaan ehelkiisa iyo saaxiibadiisba."" Hay'adda Qaran ee Warbaahinta ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku caddaysay in ay toos ula hadli doonto cidda ay arrintan khusayso, ayna kala xaajoon doonto sidii loola xisaabtami lahaa shakhsigaas iyo dambiga wayn ee uu ka galay Idaacadda Qur'aanka Kariimka, taas oo leh qadarin, waynayn, ixtiraam iyo darajo oo ay ku leedahay quluubta dhagaystayaasheeda ee shacabka Masaarida iyo Carabtaba. Hay'addaas waxay carabka ku adkaysay inaan la dhayalsan doonin arrintaas ""illaa la marsiiyo ciqaabta uu mudan yahay shakhsigaas, kaas oo ku jeesjeesay idaacad aan dhammaantayo ku faanno, maadaama ay baahiso baraamij diini ah oo hufan, kuna salaysan mabaadii'da diinteenna xaniifka ah."" Hay'adda Qaran ee Warbaahinta waxa ay si kulu uga digtay in ""Cidkasta oo qaadda dhabbahaas xun aanan ficilkooda la aqbali doonin, waxa ugu yar ee lagu tilmaami karana ay tahay akhlaaq xumo,"" waxa ayna qaadi doontaa ""tallaabakasta oo sharciga waafaqsan oo arrintaas wax loogaga qabanayo."" Kaddib ololahaas ka dhanka ahaa ayuu Maxamed Ashraf xaqiijiyay inuusan ""ula dan lahayn inuu xumeeyo dadka qur'aanka ka akhriya Idaacadda Qur'aanka Kariimka, ee uu naqdinayay oo kaliya soo saarayaasha barnaamijta."" Waxa uu intaasi ku daray, in mar uu wareysi arrintaasi ku saabsan uu bixinayay, inuusan ""hadda ogayn sababta muuqaalkaas uu u baahay"". Wuxuu cadeeyay in ""dadka waxay muuqaal kooban oo laba daqiiqo ah ay ka qaateen hadal dheer oo xaflad aan samaynay bishii Janaayo ee 2019-kii, taas oo aan si guud uga hadlaynay naqdinta codka, marka waxa ay qaateen oo kaliya qeybta Idaacadda Qur'aanka Kariimka, marka aniga wax khalad ah kama sheegin diinta ama dadka idaacadda wax ka baahiya."" Maxamed waxa uu carrabka ku adkeeyay inuu ""Ixtiraam iyo qadarin wayn u hayo Idaacadda Qur'aanka Kariimka, codkoodana uu ku soo barbaaray"". Mar uu ka hadlayay mucaaradada kulul ee uu wajahay ayuu sheegay: ""inay gaartay heer loo hanjabo isaga iyo xaaskiisa, taas oo ku qasabtay inuu xiro dhammaan cinwaanadii uu ku lahaa baraha ay bulshadu.""" https://www.bbc.com/somali/war-54626423 +politics Qoyska boqortooyada si ay murugo iyo bani aadaminimo ku jirta uga qayb galeen aaska Amiir Philip "Amiir Philip ayaa maanta lagu aasay St George's Chapel oo ku yaalla Windsor Castle. Madaxa Windsor oo qaddarin u muujiyey Amiir Philip wuxuu ku ku ammaanay ""Naxariistiisa, Kaftankiisa iyo dadnimadiisa."" Munaasabadda aaska ayaa dhacday iyada oo dadku ay kala fogaayeen isla markaana ay xirnaayeen afxirka si loo fuliyo awaamiirta la xiriirta Covid-19 waxaana la arkayey boqoradda oo kaligeed fadhida. Ubadka uu Amiirka dhalayna waxay dhinac socdeen naxashka waalidkooda, kaddibna waxaa dhacday aamusnaan daqiiqad ah oo heer qaran. In ka badan 730 ka mid ah ciidamada qalabka sida ayaaka qab qaatay munaasabadda, balse gudaha St George's Chapel waxaa galay oo keli ah 30 qof iyada oo la raacayo awaamiirta lagu xakameynayo fayraska korona. Amiir Philip oo ay da'diisu ahayd 99 jir ayaa Jimcihi oo ku beegneed 9-ka April ku geeriyooday Windsor Castle. Naxashka Amiirkana waxaa meel aan ka fogeyn St George's Chapel looga soo qaaday gaari Land Rover oo dib loo habeeyey oo naqshadeynta gaarigaasina uu gacan ku lahaa Amiirka laftiisa. Socdaalka aaskana waxaa hoggaaminayey ciidamada ilaalada gaar ah, ciidamada madaafiicda munaasabadaha gana iyo taliyeyasha ciidamada qalbka sida. Amiir Anne iyo Amiir Charles ayaa l aarkayey iyaga oo horsocda gaariga Naxashka Amiirka sida, waxaana daba socday Amiir Edward iyo Amiir Andrew. Amiir William iyo Amiir Harry waxay dhinacyada ka socdeen ina adeerkood Peter Philips. Walaalaha marka uu soo dhammaaday munaasabadda aaska waxay fadhiisteen ka soo horjeedka laamiga waxaana la arkayey iyaga oo wada sheekeysanaya. Admiral xigeenka Sir Timothy Laurence iyo David Linley oo iyaguna naxashka hareera socda, iyaga oo ay daba socdaan xubno ka mid ah shaqaalaha u shaqeynayey guriga Amiirka geeriyooday. Boqoradda oo ay da'deedu tahay 94 jir waxay israacday amiirad sugaha gobolka Bentley. Madaafiicda unaasabadaha gaarka ah oo loo rido oo laga riday 9 goobood oo dalka UK ku yaalla iyo Gibraltar ayaa lagu billaabay waxaana lag soo afmeeray aamusnaan 1 daqiiqa ah oo dalka oo dhan laga sameeyey. Muddo 6 daqiiqa ahna garoonka caalamiga ah ee Hithrow diyaarad kama kicin kamana soo degin, ciyaaraha dhacayeyna waa la joojiyey tallabadaasi oo qayb ka ah aamusnaanta qaran ee Amiirka loo sameeyey Munaasabadda aaskana waxaa horkacayey madaxa Windsor oo uu wehliyo badariga Canterbury oo halkaa ka duceeyey. Madaxa Windsor oo qaddarin u muujiyey Amiir Philip wuxuu ku ku ammaanay ""Naxariistiisa, Kaftankiisa iyo dadnimadiisa"" isaga oo sheegay noolasha Amiirka aan wax badan ka baraneyno. ""Waxaa naloo hibeeyey daacadnimadiisa aan kala go'a lahayan uu boqradda u hayey, adeegga uu qaranka iyo waddamada barwaaqa sooranka u hayey, geesinimadiisa iyo iimaankiisa"" ayuu yiri inti uu ammaanta Amiirka waday. Kaalinta uu Amiirka ku lahaa ciidamada badda boqortooyada iyo jaceylka uu u qabay badda ayaa ka mid ahayd adeegyada xusitaanka mudan uu dalkiisa u soo qabtay amiirka inti uu noolaa. Qasriga Buckingham waxaa laga sheegay in qorshaha aaska wax laga beddelay iyada oo la raacayo talooyinka caafimaadka bulshada danta u ah. Munaasabadda aaskana waxaa lagu qabtay waxaa shacabka laga codsaday iney ku kulmin goobta aaska ka dhacaya ama qasriyada kale ee boqortooyada. Balse munaasabadda aaska la xiriiray waxay u dhacayeen si waafaqsan rabitaanka Amiir Philip waxayna ka tarjumayeen noolashiisa ciidannimo iyo midda shaqsi ahaaneedba. Aaska ka horna boqraddu waxay seygeeda geeriyooday la wadaagtay sawirkeeda ay ugu jecleyd ee ay ku gashay Aberdeenshire. Sawirka oo la qaaday sanadkii 2003-dii, sawirkaasi oo muujinaya lammaanaha (Boqorad Elizabeth iyo Amiir Philip) oo ku nadsanaya dhul cagaar ah oo ku yaalla Coyles ee ka tirsan Muick, oo ku dhow guriyaha ay boqoradda gaarka u leedhaya ee ku yaalla Balmoral. Windsor gabigeedba wey aamustay saacaddu marka y ahayd aamusnaantaasi oo loogu tala galay aaska Amir Philip. Qoyska boqortooyadana waxay codsadeen iney dadku kala fogaadaan xayiraadaha fayraska krona awgii. Waddooyinka magaalada Windsor waxay ahaayeen kuwo maran marka loo eego sia ay ahaan jireen. Balse boqollaal aya waddooyinka taagnaa cadceeddana u dhabar adeygayey si ay qaddarin ugu muujiyaan Amiirka geeriyooday. Arooski ka dhacay meel aan ka fogeen hoolka Windsor ayaa wuxuu ku soo dhammaaday aaska Amiirka looogu sameeyey St George's Chapel oo aan wax badan ka fogeyn goobti uu lammaanaha arooskoodu ka dhacay. Mikey Durnian iyo mataantiisa Jodie iney xafladda arooskooda ilaa shan jeer dib u dhigeen cudurka safmarka awgii. Wuxuuna sheegay iney la yaab ku noqotay usbuuci la soo dhafay goob dhowr meter u jirta halka lagu aasay uu fargashigood ka dhacay. ""Marnaba kuma fikirin waxa maanta dhacay iney xafladda meherkannaga ay ka daba dhici doonaan balse muhiimaddu waxaa weeye inuu guurkannaga dhahay"" ayey tiri Jodie. Dad aan ka badneen 30 qof ayaa munaasabadda aaska ka soo qayb galay iyaga oo ay dadku xirnaayeen dhar madow oo ay ka muuqata bilad iyo labbis caadi ah oo wada socda balse waxaan marnaba goobta aaska lagu arkin tuuta ciidan. Boqoradda iyo Amiirka geeriyooday afar carruurt ah oo ay dhaleen iyo sideed carruur ah oo ay awoow iyo ayeeyo u yihiin, balse carruurta ay awoowa labaad ama ayeeyo labaad u yihiin aaska kama soo qayb gelin." https://www.bbc.com/somali/war-56788573 +health Coronavirus: Amiir Charles oo laga helay fayraska corona "Amiirka Wales ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in uu qabo xanuunka coronavirus, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence. Amiir Charles, oo 71 sano jir ah, waxaa lagu arkay astaamaha Covid-19 oo iska yara fudud ""balse xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay,"" ayuu yiri afhayeen u hadlay. Xaaskiisa oo 72 sano jir ah ayaa sidoo kale la baaray, waana laga waayay fayraska. Aqalka Clarence wuxuu sheegay in Charles iyo Camilla ay hadda is karantiileen Gurigooda Balmoral. Waxaa intaa lagu daray in Amiirka uu ka soo shaqeynayay guriga maalmihii la soo dhaafay. Warka qoraalka ah waxaa lagu yiri: ""Iyadoo la raacayo talada dowladda iyo adeegyada caafimaadka, Amiirka iyo xaaskiisa waxay isku go'doominayaan gurigooda ku yaalla Scotland. ""Ma cadda weli qofka uu Amiirka ka qaaday fayraska iyadoo ay jirto in uu shaqo culus oo la xiriirta doorkiisa uu qaaday isbuucyadii la soo dhaafay.""" https://www.bbc.com/somali/war-52034800 +politics Hoggaamiyeyaashii Al-Shabaab ee shalay miyay dowladdu kala dooratay? "Gabadha lagu magacaabo Selverani Kanagarasu oo u dhalatay dalka Hindiya, ahna 48 jir waligeed ma aysan guursanin, waxayna guurka ka xulatay daryeelka dibbi ka qeybqaata tartanka hardida ee ka dhaca gobolka ay ku nooshahay ee Tamil Nadu. Gobolkan waxaa ka jira caaddo qarniyo jirsatay oo lagu tartamayo dibbiyada, kuwaas oo rag badan ay ku loolamaan in ay gacanta ku dhigaan abaalmarin qaali ah oo lagu xiray geesaha dibbiga. Caado dhaqameedkan waxaa lagu magacaabaa Jallikattu, waxaana dhacday in mar lagu joojiyay amar maxkamadeed kadib markii dadka u dooda xuquuqda xayawaanka ay dacwo geeyeen, balse go'aankaas waxaa ka dhashay mudaaharaadyo waaweyn oo rabshado wata, taas oo dowladda ku qasabtay in ay fasaxdo. Selverani waxa ay dhaqashada dibbiyada tartanka gala ka dhaxashay aabaheed iyo awoowgeed oo ay sheegtay in ay u xanaanayn jireen sida ilmo ay dhaleen oo kale. Hadda waxa ay xanaanaysaa dibbi 18 jir ah , waxaa lagu magacaabaa Ramu, waxa uu ku guuleystay illaa 5 biladood, isaga oo ka qeybgalay 7 tartan guud ahaan. ""Ramu waa wiilkeyga oo kale, billado ayuu ku guuleystay, waxaase intaas ka muhiimsan in uu yahay mid sharaf badan usoo jiiday qoyskeena"" ayay tiri haweenaydan oo diidan in ay nin guursato. Dad badan ayaa ku waxyeeloobay tartanka, iyada oo dibbiyada lagu tartamayo ay geeska dareen dad daawadayaal ah ama tartamayaal ah. Qofka tartanka ka qeybgalaya waa in uu xajin karaa dibbiga illaa uu ka gooyo masaafo dhan 20 mitir, kadib ayuu heleyaa abaalmarin ku xiran geesaha dibbiga. Isaga oo 10 sano jir ah ayay soo iibsatay, wixii markaas ka dambeeyayna waa ay xanaanaysay. Goaa'nkeeda ah in aysan guursanin waa arrin dadka dhan ka dhaadhici weysay, balse markii dambe lagu aqbalay go'aankeeda. Waxa maalinkii soo gala lacag dhan $3 doolar oo kaliya, waxayna lacagtaas inteeda badan ku quudisaa Ramu oo u baahan raashiin gaar ah maadaamaa uu ka qeybgalayo tartan. Waxyaabaha la siiyo waxaa ka mid ah timir,naarjiin, moos, sisin, loos iyo waliba bariis. Dibbiga ayaa ka cunto fiican xitaa tan ay iyada cunto, balse waxbo uma aragto taas, waxaa uga daran sharafta qoyskeeda. ""Mararka qaarkood hal waqti ayaan cunaa maalinkii si aan lacag meel ugu dhigo Ramu"" ayay tiri Cuntada ka sokow, Ramu waxa uu u baahanyahay jimicsi maalin kasta ah, waxaana la geeyaa haro uu ku dabaasho. Guulaha uu tartanka ka gaaray awgeed, waxaa Ramu lagu rabaa lacag aad u badan, balse waa ay diiday haweenaydan oo dibbiga aad u jecel." https://www.bbc.com/somali/war-42704854 +health 'Dad ka badan hal milyan' ayaa qaniinyo mas ugu dhintay Hindiya "Dad tiradooda lagu qiyaasay 1.2 milyan oo ruux ayaa qaniinyada masaska ugu geeriyooday dalka Hindiya gidihiisa muddadii 20-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay, sida ay muujisay daraasad cusub. Ku dhawaad kalabar ka mid ah dadka dhintay waxay da'dooda u dhaxeysay 30 ilaa 69 sano, afar meeloo meel ka mid ahna waxay ahaayeen carruur, sida ay daraasadda caddeysay. Saddex nooc oo ka mid ah masaska, oo uu ku jiro midka loo yaqaanno kobra ayaa sabab u ah dhimashada ugu badan. Tirada kale ee soo hartay waxaa dilay ugu yaraan 12 nooc oo kale oo masas ah. Weerarro badan oo masaska ay geysteen ayaa durbadiiba isu baddalay dhimasho, maadaama goobaha ay ka dhaceen ay yihiin meelo miyi ah oo aan si dhakhso ah looga heli karin adeeg caafimaad. Kalabar ka mid ah dhimashadaas waxay dhacday xilliyada fatahaadaha oo ah muddada u dhaxeysa bilaha June iyo September, xilligaasoo masaska lagu yaqaanno inay dibadda usoo baxaan. Inta badan dadka dhintayna waxaa laga qaniinay lugaha. Daraasaddan oo lagu daabacay wargeyska eLife ayaa waxaa sameeyay khubaro caalami ah iyo kuwo Hindiya u dhashay. Waxay daraasaddu ku saleysan tahay xog laga soo aruuriyay daraasad lagu magacaabo Million Death Study. Maska lagu magacaabo Russell's viper, oo caan ku ah inuu mar walba weerar sameeyo, ayaa ka buuxa Hindiya iyo qeybo badan oo ka mid ah koonfurta Aasiya. Wuxuu cunaa xayawaannada yar yar ee uu ka mid yahay jiirka, waana taas sababta uu mar kasta u joogo goobaha ay bani'aadanka daggan yihiin, ha ahaadaan magaalooyinka ama miyigaba. Maska Hindiya ku nool ee loo yaqaanno krait waxaa dabeecadihiisa ka mid ah in maalintii uusan weerar sameynin laakiin habeenkii uu aad khatar u yahay. Wuxuu dhirirkiisa gaari karaa ilaa 1.75m, oo u dhiganta (5ft 9in). Maska kale ee loo yaqaanno Kobra ayaa isagana dhaqdhaqaaqiisa badiya xilliyada mugdiga, wuxuuna sababaa dhiigbax gudaha jirka ah. Qofka uu qaniino ayaa durba geeriyoon kara haddii lasiin waayo gargaar caafimaad oo deg deg ah. Daraasadda waxaa lagu ogaaday in muddadii u dhaxeysay 2001 ilaa 2014 ay 70% ka mid ah qaniinyada masaska ka dhacday siddeed gobol oo kala ah: Bihar, Jharkhand, Madhya Pradesh, Odisha, Uttar Pradesh, Andhra Pradesh (oo uu ku jiroTelangana, oo gobol cusub ah) Rajasthan iyo Gujarat. Celcelis ahaan khatarta uu qof Hindi ah ugu jiro inuu u geeriyoodo qaniinyo mas ka hor inta uusan gaarin da'da 70-ka ayaa lagu qiyaasay 1-kii qof oo ka mid ah 250 qof oo kasta. Laakiin meelaha qaar halistaas waxay gaareysaa 1-kii qof ee ka mid ah 100 qof oo kasta, sida ay daraasadda muujisay. Khubarada waxay sheegeen in buldhooyinka beeraleyda ah ee ku nool tuulooyinka ay halista ugu weyn ugu jiraan qaniinyada masaska, gaar ahaan xilliga ay jiraan roobabka fatahaada sababa. Waxay sheegeen in goobahan ay tahay in la geeyo dad shacabka ku nool ka wacyi galiya khatarta masaska, sidoo kalena bara xeelado sahlan oo ay uga badbaadi karaan qaniinyadoosa. Waxyaabaha la bari karo waxaa ka mid ah habab ay beerahooda ku falan karaan iyagoo ka badbaadaya masaska. Wacyigalinta ay soo jeediyeen khubarada waxaa ku jira in dadka lagu dhiirrigaliyo inay xirtaan gabo adag, gacmahana galoofis gaashadaan marka ay beerahooda falanayaan. Qaniinyada masaska ayaa hadda ah ""arrin dunida oo dhan lagala tacaalayo"" sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Addunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO. Saraakiisha WHO ayaa sheegay in dhibaatooyinka la xiriira sunta masaska ay ka mid yihiin kuwa ugu waaweyn ee hadda ka jira, cudurro halis ahna sababa. Inta u dhaxeysa 81,000 ilaa 138,000 oo qof ayaa sanad walba caalamka ugu geeriyooda qaniinyada masaska, sida ay sheegtay WHO. Tiro intaas saddex jibbaarkeed ah ayaan u dhimanin qaniinyada masaska, laakiin ku naafooba." https://www.bbc.com/somali/war-53434203 +sports Tyrone Mings: Huteel ayaan adeege ka soo ahaa maantana xulka Ingiriiska ayaan u dheela Wuxuu soo qabtay shaqooyinka ay ka midka yihiin huteelka khamriga lagu cabbo inuu adeege ka noqdo, dadkana uu guriyaha u kala iibiyo, maantana wuxuu ka tirsan ciyaartooyda kubbadda cagta xulka Ingiriiska. Toban sana ka hor ciyaartooygan ayaa kooxda Southampton ku eriday inuu caata yahay, maantana ciyaartooygaasi wuxuu u ciyaarayaa xulka qaranka Ingiriiska, waa Tyrone Mings. 10-kaasi sano wuxuu Tyrone uu soo marxalad badan si ciyaartooy dhan walba ka dhammeystiran uu u noqdo. Mar uu damcay inuu u ciyaaro kooxda Chippenham Town waxaana shaqada looga eryey inuu shaqada ka haray isaga oo aan xanuunsan inuu yiri waan xanuunsanahay. Tababaraha xulka Ireland waxaa dhex maray dagaal aad u adag. Mingis kooxda Aston Villaa uu hadda u dheelo wuxuu uga yimid Porthsmouth. Ciyaartoygan oo difaaca ka dheela ciyaaraha Premier League waxaad mooddaa iney ku adkaanin. Ciyaartoygan uu dhererkiisu yahay 195 Senti metir wuxuu kaalinta labaad uu uga jiraa kubbadaha uu ka fogeeya goolka oo shabaqa taaban lahaa. Bristol Rovers ciyaartooygi ay yirahdeen nama anfaceysid wuxuu dib ugu laabtay dugsiga uu wax ku soo bartay si uu ugu dheelo. Wakhti ka mid ah noolashiisa wuxuu ciyaartoygan uu soo maray inuu habeenki adeega ka noqdo huteel khamri lagu iibiyo. Maalintina wuxuu dullaal ka ahaa oo wax u kala gadi jiray bangiga iyo dadka guriyaha ay u iibiyaan sidaa ayuu komishin kaga heli jiray. Xilligi adkaa oo uu soo maray Tyrone oo uu ku iibsaday 100 gini ayaa garab weyn u tahay inta uu halganka noolasha soo waday. Kaddibna kooxda Ipswich Town ayaa ciyaartooygaasi si uu ugu dheelo heshiis ku meel gaar ah la galay. Balse waxay Tyrone heshiin waayeen tababaraha xilligaasi ee kooxda Ipswich Town Mick Makarty. Hase yeeshee, tababaraha oo arkay xirfadda ciyaareed ee ciyaartoyga wuxuu la galay heshiis 18 bilood ah, waxayna arrintani dhacday mudda hadda laga joogo lix sano. Lix bilood kaddib marki uu heshiiska la galay kooxda Ipswich Town ayuu marki ugu horreysay u saftay. Wixi intaa ka dambeeyeyna wuxuu fursad u helay inuu 18 ciyaarood uu u ciyaaro. Wuxuuna marar badan uu tababaraha ay isku af dhaafi waayeen sababta uu ugu oggolaan la'yahay inuu ciyaaraha u safto. 2015-kina wuxuu heshiis la galay Bournemouth, wuxuuna heshiis kula galay 8 milyan oo pound. Balse ciyaarti ugu horreysay oo uu kooxda u saftay mara ay 6 daqiiqo socotay ayaa ciyaarta dhaawac looga saaray. Muddo 17 bilood ahna wuu awoodi waayey inuu ciyaar kale u soo safto. Waa markaa, marka ay AFC Bournemouth ay ciyaartooyga amaahiyeen Aston Villaa. Aston Villa waxay kaalin weyn ku lahayd inuu Mingis uu ku biiro ciyaaraha horyaalka Ingiriiska. Waxaana ugu dambeynti heshiis joogta ah uu la galay kooxdaasi. Mingis wuxuu marwalba dadka ku hareereysan iyo saaxibbadii uu u sheegi jiray inuu rajeynayo inuu mar un uu u ciyaaro xulka qaranka Ingiriiska. Muddo kaddibna wuxuu ka dhabeeyey riyadiisi ahayd inuu mar un uu u safto xulka Ingiriiska waxaana la rajeeynayaa inuu caawa uu u safto ciyaarta ay caawa wada dheelayaan kooxaha qaramada Ingiriiska iyo Kosovo. Kooxda Southampton oo ciyaartooygan marka uu horlahaa diidday ee tiri kuma dooneyno waxaa sanadkan laga dhaliyey goolal aad u badan, waxayna kaalinta 19aad kaga jirtaa dhinaca shaxda ciyaaraha. Haddaba waxaa la isweeydiinayaa ciyaartooygi ay kooxda Southampton ay eriday maanta marka uu noqday ciyaartooy caan ah ma laga yaabaa iney kooxda ay go'aankeedi hore ka qoomameyneyso? Mingis dhankiisa wuxuu ka sheegay inuusan cuqdad iyo qoomamo midna ka qabin sida looga eryey Southampton. https://www.bbc.com/somali/war-50452045 +politics Wax ka ogow qolka 39-aad ee Kuuriyada Waqooyi "Xafiiska ama qolka 39-aad wuxuu ku yaallaa caasimadda dalka Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang, wuxuuna saldhig u yahay madaxda ugu sareysa ee dalkaas, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah. Inkastoo dalka Kuuriyada Waqooyi lagu tilmaamo in uu yahay dal go'doon ah, kana go'an dunida inteeda kale, haddana xafiiska wuxuu ka mid yahay meelaha aanan la booqanin ee aanan la oggoleyn in qofwalba uu soo arko, maadaama waxwalba oo ka dhex socda ay yihiin waxyaabo sir ama xasaasi ah. In kastoo ay adag tahay tahay in wax laga ogaado madaxda dalkaas iyo waxyaabaaha ay qabtaan, haddana qol lagu magacaabo ""Room 39"" ama qolka 39-aad, ma ahan mid loo dhowaan karo. Waa xafiis aad loo ilaaliyo kuna dhexyaala dabaqa 3-aad ee dhismaha xisbiga shaqaalaha dalkaas ee magaalada Pyongyang. Way adag tahay in qof uu u dhawaado dhismahan sida ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka. Waa saldhiggga saraakiil sarsare oo katirsan dowladda Kuuriyada Waqooyi iyo xisbiga talada haya. Waxbadan laga ma oga qolkan, haseyeeshee dad aqoon u leh ama la soo shaqeeyay xukuumadda dalkaas waxay sheegeen in qolkaas uu yahay goob ay si gaar ah ugu kulmaan hogaamiyaha wadankaas iyo saraakiisha militeriga. Ri Jong oo ah sarkaal horay uga tirsanaa xukuumadda Pyongyang, oo in muddo ah uu ka soo shaqeeyay, oo u warramay telefishenka CNN ee Mareykanka ayaa sheegay in waxyaabaha lagu qabto qolka 39-aad ay ka tahay lacag loogu geeyo saraakiisha sarsare ee dalkaas. Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in qolka 39-aad uu yahay mid lagu qabto hawlo sharci darro ah. Wasaaradda maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa xafiiskaas ku tilmaamtay in uu yahay mid qeyb ka ah laamaha dowladda dalkaas, kana taageera hoggaanka dalkaas arrimo ay ka mid yihiin sidii ay u heli lahaayeen dhaqaale. ""Xafiiskan wuxuu ka shaqeeyaa lacagaha la kala gudbiyo, waxyaabaha been abuurka ah, dhoofinta lacagaha kontorbaanka ah iyo maandooriyaha,"" ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda maaliyadda ee dowladda Mareykanka, oo warkan soo saartay xilligii madaxweyne Obama. Bangiyo iyo shakhsiyaad lala xiriiray xafiiska 39-aad ayay dowladda Mareykanka ku soo rogtay cunaqabateyn dhaqaale. Midowga Yurub ayaa dhanka kale sheegay in xafiiskan oo la asaasay sannadkii 1994, uu si toos ah u hoos tegi jiray Kim Jong-un aabihii oo lagu magacaabi jiray Kim Jong-Il, balse markii uu geeriyooday waxaa la wareegay Kim. Waxay ku tilmaameen xafiis lagu sameeyo lacagah qalaad. Midowga Yurub ayaa cunaqabateyn ku soo rogay shirkado lala xiriiray xafiiskaas oo ay ku tilmaameen mid loo adeegsado fududeynya hawlaha xafiiska 39-aad. Wargeyska The times ee ka soo baxa dalka Britain ayaa ku soo warramay in sirdoonka dalal badan oo caalamka ah ay in muddo ah isku dayayeen in ay wax ka ogaadaan waxa ka dhex socda xafiiskan oo ay adag tahay in la helo macluumaad la xiriira. Khubarada arrimaha sirdoonka waxay sheegayaan in Kim uu si la mid ah sidii aabihii uu sameystay dad isaga daacad u ah, kuwaas oo ka tirsan militeriga, sirdoonka iyo laamaha kale ee dowladda, oo u keena waxwalba oo hanti ah oo uu u baahan yahay sida baabuu iyo lacag. Sida la soo weriyay, xafiiskan waxaa inta badan maamula xubnaha qoyska Kim Jong-un. Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa badan oo dalalka reer galbeedka waxay sheegeen in Kim Jong-un walaashii, oo lagu magacaabo Kim Yo-Jong, ay u xilsaaran tahay hawlaha qolka 39-aad. Sidoo kale ninka qabo gabadhaas ayaa la sheegay in isaguna uu ka mid yahay dadka ugu sareeya ee maamula xafiiskan. Wargeyska Washington post ayaa sidoo kale ku soo warramay in waxyaabaha kale ee uu qabta xafiiskan ay ka mid tahay in hub laga iibiyo dalal ku yaala qaaradaha Afrika, Aasiya iyo bariga dhexe, waxaana taasi lagu tilmaamay mid xadgudub ku ah cunaqabateynta hubka ee Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsiigiisu yahay 1874. Waxaa kale oo la sheegay in xafiiskaas uu xiriir la leeyahay shabakado la sheegay in ay sameeyaan lacago been abuur ah oo ay ka mid tahay lacagta doollarka Mareykanka." https://www.bbc.com/somali/war-54257686 +health Dal ku guuleystay daweynta dhammaan bukaanadii uu ku dhacay fayraska corona Bukaankii ugu dambeeyay ee Cambodia ayaa laga daweeyay fayraska corona waxaana laga saaray isbitaalka, taasi oo dalkaasi ka dhigtay dal aanay haatan jirin qof qaba fayraska corona. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in qofkan ugu dambeeyay ee ka dawoobay xanuunka ay ahayd haweeney 36 sano jir ah oo ka timaadday gobolka Banteay Meanchey, taasi oo ku jirtay isbitaalka Khmer Soviet Friendship ee magaalada Phnom Penh. Muuqaal laga soo duubay haweeneydan 36 jirka ah ayaa muuhinyay iyadoo isbitaalka ka sii baxaysa waxaa muuqaalka laga baahiyay Telefishinka Qaranka Cambodia. Dalkaasi ayaa waxaa uu xanuunka fayraska corona soo ritay 122 mana jirin qof qudha oo u geeriyooday fayraskan dunida halakeeyay. Balse saraakiisha ayaa ka digtay ineysan marnaba khafiifin doonin xayiraadihii fayraska corona awgii loo soo rogay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen iskuulada la xiray, baaritaanada lagu sameynayo dadka ka soo tallaabo xudduuda iyo karantiilka. 12-kii April ayay ahayd markii ugu dambeysay ee kiis cusub laga soo sheego dalkaasi. Tan iyo bishii Janaayo waxaa dalkaasi baaritaan lagu sameeyay 14,684, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka. Wasiiirka Caafimaadka Mam Bunheng ayaa dadka ku booriyay iney feejignaadaan oo ay kala fogaanshaha bulshada ilaaliyaan. Waxaanu umaleyneynaa in intabadan kiisaska ay ahaayeen kuwa la soo dhoofiyay, marka sidaa darteed waa inaan ka taxadarnaa oo aanu baaritaanada baraha koontaroolka sii kordhinaa,'' ayuu yiri wasiirka caafimaadka Mam Bunheng. ''Dadka safarrada ka yimaada ee dalkeena soo galaya waa iney wataan warqad caafimaad oo muujineysa ineysan qabin fayraska corona, markaasi kaddib ayaa loo ogolaanayaa iney gudaha usoo galaan Cambodia. Marka ay soo galaana waxa ay galayaan muddo 14 maalmood oo karantiil ah,'' ayuu yiri wasiirka. https://www.bbc.com/somali/war-52702939 +health """Canug ayaan dhalay aniga oo aanan uur isku ogeyn, caadadana aysan iga joogsan""" "Daisy Young ma aysan ogeyn iney uur leedahay balse afar saacadood kaddib markii ay booqatay isbitaalka iyadoo ka cabaneysa calool ayaa loo sheegay iney uur leedahay ayna halkaasi ku dhashay wiil. Iyada iyo hooyadeed Maggy ayaa sheekadooda BBC-da la wadaagay. Maggy ayaa sheegtay iney meelka kale ku maqnayd markii ay gabadheeda farrin ugu sheegtay iney isbitaalka joogto. ""Markii ay ii sheegtay iney jooogto isbitaalka waxaan markiiba ku fakaray iney shil gaari gashay"" 'Waan wacay, waxayna ii sheegtay iney canug dhashay' Waan aamini waayay, waxaan ku iri waan ku faraxsanahay'. ""Seeygeeyga Graham oo aan isla joognay baan markiiba ku jeestay oo aan ku iri, waxaad noqotay awoowe'. 'Hadal wuu ka soo bixi waayay balse wajigiisa ayaan ka akhristay inuu aad u faxay'. ""Waxaan maalin ka hor dareemayay xanuun la mid ah kan caadada balse waxba kama soo qaadin laakiinse xanuunka ayaa habeenkii igu sii siyaaday kaddibna waxaan booqday isbitaalka waxayna dhakhaatiirta ii sheegeen inaan uur leeyahay waan aamin waayay waxaana ku iri taasi suuuragal maahan.'' ""Iskumaanan arag wax calaamad ah oo muujinaya inaan uur leeyahay, sababtoo ah waxaa si joogta ah igu dhacayay dhiigga caadada, balse waxaan dareemay uun inaan yara cayilay taasina waxaan ku sababeeyay shaqada aan ka bilaabay maqaayadda McDonald"". ""Kumbuyuutar ayaa caloosha layga saaray kaddibna waxay dhakhaatiirta ii sheegeen inaan leeyahay 37 isbuuc oo uur ah, xanuunka i hayana uu yahay xanuunka foosha. ""Aad ayaan u naxay balse saacado kaddib waxaan dhalay wiil aan u bixiyay Elijah John oo uu culeyskiisa ahaa 3kiilo garam."" ""Waxaan iri 'Yaa Allaah, Waxan dhalay canug, waan soo qaaday oo waxaan saartay dhabta. Xitaa oohinta way ig soo bixi weyday, aad ayaana u naxsanaa waxaana jeclaa iney hooyadeey ila joogta balse nasiib darro taasi ma aysan dhicin oo waxaa nakala xayiray dhibaatada fayraska corona. Waa marxalad dhif iyo naadir oo ku dhacda haweenka, waana wax dhici kara oo ilaa 2,500 oo canug ayaa sannadkasta sidaan ku dhalata dunida." https://www.bbc.com/somali/war-53386216 +politics Doorashada Mareykanka 2020: Biden maka guuleysan karaa Trump? Shacabka Mareykanka ayaa 3-da bisha November ee sannadkan go'aan ka gaadhi doona in Donald Trump uu muddo afar sano ah oo kale kusii sugnaan doono xafiiska madaxweynaha ee Aqalka Cad iyo inkale. Madaxweynaha kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa loollan adag kala kulmaya musharraxa xisbiga Dimuqraaddiga ee lagu magacaabo Joe Biden, kaasoo ahaa madaxweyne ku xigeenkii Barack Obama, laakiin siyaasadda Mareykanka kusoo dhex jiray tan iyo 1970-meeyadii. Iyadoo ay maalinta doorashada soo dhawaaneyso, ayey shirkadaha saadaasha codbixinta sameeya isku dayayaan inay siyaasaan waxa ay shacabka go'aansan doonaan, iyagoo dadka weydiinaya labada siyaasi midka ay doorbidayaan. Waxaan isbarbardhig ku sameyn doonnaa sida ay codadka u kala heli karaan. Codadka laga dhiibto goobaha codbixinta ee Qaranka ayaa door weyn ka ciyaari kara in la ogaado musharraxa ay dadku doorbidayaan. Laakiin ma aha sida ugu fiican ee lagu saadaalin karo natiijada kama dambeysta ah ee doorashada. Tusaale ahaan, sanadkii 2016-kii, Hillary Clinton ayaa dhinaca codbixinta ku horreysay, waxayna ku dhawaad saddex milyan oo cod ku hoggaamineysay Donald Trump. Balse sidaasoo ay tahayna way ku guul darreysatay doorashada, sababtoo ah Mareykanku wuxuu isticmaalaa hab gaar ah oo lagu qiimeeyo doorshada, codad aad ku horreysayna kuuma suurtagalin karaan inaad madaxweyne noqotid. Markii dhankaas laga hadlayo, Joe Biden wuxuu saadaasha codadka uga horreeyay Donald Trump inta badan sannadkan socda. Dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay way sii xoogeysatay saadaasha guusha Biden, wuxuuna ku horreeyay 50%, laakiin Trump ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo kabanayay. 2016-kii, saadaasha codbixinta sida ay hadda tahay uma caddeyn, qiyaas yar unbaana kala saareysay Mr Trump iyo Musharraxii xilligaas la tartamayay oo ah Hillary Clinton. Haddase Biden ayaa aad uga horreeya madaxweyne Trump. Sida ay ay Mrs Clinton ogaatay sanadkii 2016-kii, tirada codadka ee aad heshay waxaa ka muhiimsan meelaha aad ku heshay. Inta badan gobolladu waxay u codeeyaan siyaabo isku mid ah, taasoo ka dhigan in dhowr gobol oo kaliya ay sabab u noqon karaan musharraxa guuleysanaya. Meelahan waa kuwa horseedi kara guusha iyo guul darrada doorashada, waxaana loo yaqaannaa gobollada saldhigga u ah dagaalka tooska ah. Habka codeynta ee uu isticmaalo Mareykanka ayaa ah in gobol walba loo qoondeeyo tiro codad ah oo ku xiran tirada shacabkiisa. Isku darka 538 cod ayaa gobolka laga soo bandhigayaa, musharraxana wuxuu u baahan yahay inuu helo 270, si uu u guuleysto. Hase yeeshee qaar ka mid ah gobollada ayaa la siiyaa tiro aad uga badan midda caadiga ah. Sidaas darteedna musharraxiintu waxay ol'ole waqti dheer socda ka sameeyaan gobolladaas. Gobollada lagu dagaallamo codbixintooda, guushana horseedi kara waa: Waqtixaadirkan, codbixinta gobollada lagu dagaallamo waxaa heer fiican ka jooga Joe Biden, laakiin xaaladdu fari kama qodna, wax walbana waxay isu baddali karaan si deg deg ah, gaar ahaan marka uu meesha ku jiro Donald Trump. Saadaasha ilaa hadda la sameeyay waxay muujineysaa in Mr Biden uu hoggaaminayo gobollada kala ah Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin - waana saddex gobol oo warshado leh, kuwaasoo ninka kasoo horjeeda uu guulo kasoo hoyiyay sanadkii 2016-kii. Sawirka hoose wuxuu muujinayaa sida ay labada musharrax ugu kala horreeyaan gobollada muhiimka ah iyo sida ay ahayd natiijadii doorashadii 2016-kii. Dadka ku xeel dheer arrimahan wali gabi ahaanba meesha kama saarayaan guul uu Trump kasoo hoyiyo doorashada soo socota. Qaarkood waxay saadaalinayaan in uu heysto fursad aad u yar oo uu ku hanan karo guusha doorashada dhici doonta 3-da bisha November. Fayraska coronavirus wuxuu si weyn u qabsaday hadalheynta warbaahinta Mareykanka tan iyo billowgii sannadkan. Jawaabta laga bixiyay ficillada uu madaxweyne Trump sameeyay ayaa kala qeybiyay fikirka siyaasiyiinta xisbiga iyo taageerayaashoodaba. Laakiin taageerada loo hayo madaxweynaha ayaa sare u kacday bartamihii bishii March, kaddib markii uu ku dhawaaqay adeeg qaran oo deg deg ah, sidoo kalena uu lacag $50 bilyan oo doolar ah u qoondeeyay gobollada, si ay ugu maareeyaan fayraska fidayay. Tallaabadaas kaddib, 55% ka mid ah shacabka Mareykanka waxay taageereen ficilka uu sameeyay madaxweynaha, sida lagu muujiyay qiimeyn ay sameysay hay'adda Ipsos, oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee wax saadaaliya. Laakiin taageero kasta oo uu ka heystay garabka dimuqraaddiga meesha way ka baxday xilligaas wixii ka dambeeyay, halka xisbiga Jamhuuriguna ay sii wadeen taageerada madaxweynahooda. Way sahlan tahay in gaashaanka lagu dhufto saadaasha, iyadoo tusaale loo soo qaadanayo sida ay ugu khaldameen saadaashii ay shirkadaha sameeyeen xilligii doorashii 2016-kii. Madaxweyne Donald Trump mar walba sidaas ayuu u dhaliilaa saadaalinta. Laakiin gabi ahaanba run ma aha. Inta badan saadaashii qaran ee la sameeyay afar sano ka hor waxay muujisay in Hillary Clinton ay ku horreysay gobollada qaar, laakiin taasi micnaheeda ma aha inay ku khaldameen, maadaama ay ku guuleysatay codadka 3 milyan ka badan kuwii uu helay musharraxa kasoo horjeeday. Codbixinta doorashadii 2016-kii waxay la kulantay cillado farsamo - gobollada ugu muhiimsan qaarkoodna goor dambe ayaa la ogaaday in uu ku guuleystay Mr Trump. Inta badan hay'adaha saadaasha sameeya wax saxeen cilladahaas hadda. Laakiin sannadkan, wax walba si sax ah looma hubo sababo la xiriira cudurka safmarka ah iyo saameynta uu ku yeeshay dhaqaalaha iyo qaabka ay dadka u codeyn doonaan bisha November. https://www.bbc.com/somali/war-53696410 +politics Kenya ma xeelad hor leh ayay ku wajaheysaa khilaafka kala dhexeeyo Soomaaliya? "Xilli uu weli taagan yahay muranka badda ee u dhexeeyo Soomaaliya iyo Kenya, waxay u muuqataa inay Kenya ay waddo dhaqdhaqaaq ku aadan arrintaas, waxay Kenya muranka badda u gudbisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma ayaa waxay booqasho ku tegtay dalka Jabuuti, waxay halkaas kulan kula qaadatay madaxweynaha Jabuuti, Ismaacil Cumar Geelle. Waxybaaha ay ka wadahadleen waxaa kamid ah ammaanka gobolka iyo xiriirka diblumaasiyadeed ee haatan ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Kenya iyo Ismaaciil Cumar Geele ay soo hadal qaadeen xirirka diblumaasiyadeed ee haatan ka dhex taagan labada dal balse wax faahfaahin ah kama uusan bixin. Kenya waxay muranka badda hor dhigtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey si xaaladda ay usoo farageliso. Qaramada Midoobey waxay muranka badda ee labada dal ku sheegtay inay caqabad ku noqon karto amniga gobolka, sida uu ku warramay wargeyska The Standard. Maxamed Caalin oo ah aqoonyahan soomaaliyeed ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso inay ka faa'deysto kala qeybsanaanta iyo xasilooni la'aanta ka jirto Soomaaliya si wadahadal looga gaaro muranka badda. ""Kenya waxaa ilaa hadda ka dhaadhaacsan in muranka lagu xallin karo wadahadal"" ayuu yiri Maxamed Caalin. Kenya waxay dooneysaa in dalalka gobolka ee xiriirka ka dhexeeyo inay soo dhexgalaan xallinta muranka sii loo afjaro ismari waaga diblumaasiyadeed. ""Kenya waxaad mooddaa in xiriir uu ka dhexeeyo isdhexgal iyo xiriir qowmiyadeed.. marka Jabuuti maadama ay kamid tahay qowmiyadaha soomaaliyeed ee Geeska Afrika, marka waxay isleedahay ama dhexdhexaad ka noqon kartaa arrinta"" Waxaa uu sidoo kale sheegay in Kenya ay dooneyso in cadaadis dhaqaale iyo mid caalami ah ay saarto dowladda Soomaaliya si khilaafka wadahadal loogu dhameeyo. Kenya waxyaabaha ay tirsaneyso waxaa kamid ah in Soomaaliya ay abaal u gashay balse ay adeegsaneyso siyaasado leh wajiyo kala duwan ayuu yiri Maxamed Caalin. Soomaaliya ayaa u muuqtaa mid ka aamusan khilaafka , waxay ka dhuursugaysaa go'aanka kasoo bixi doono maxkamadda Caddaallada Adduunka ee ICJ. Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-tii ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya. Dacwadaasi ayaa haatan hortaalla maxkamadda ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xiriirta arrintan, inkastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah oo bannaanka ka ah maxkamadda." https://www.bbc.com/somali/war-48689555 +politics Maxaa ku jira buugga uu Amiir Harry ku sheegayo sababta uu uga baxay boqortooyada? "Xusuus qorka Amiirka Sussex ayaa la daabici doonaa 10-ka bisha Janaayo, sida ay shaacisay shirkadda buuggaasi daabacaysa ee Penguin Random House. Buugga Amiir Harry – kaas oo uu ku jiri doono sida uu u qaatay go’aanka uu uga tanaasulay waajibaadkiisa boqortooyada iyo qaabka uu ugu guuray waddanka Mareykanka – ayaa cinwaankiisu waxa uu noqon doonaa ""Spare"". Random House ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Markii la aasay Diana Amiiraddii Wales, ayaa balaayiin qof waxa ay la yaabanaayeen sababta amiiradda ay qasab ugu aheyd inay ka fakarto oo ay qaaddo dareen ah, sida noloshooda ay noqon doonto… “Harry-na, tani waa sheekadiisa.” Qasriga Buckingham ayaa sheegay in aanay wax war ah ka soo saarayn buugga la shaaciyay waqtiga la daabacayo. Qeyb ka mid ah lacagta ka soo baxda buugga ayaa waxaa lagu taageeri doonaa hay’adaha samafalka ee Britain, oo ay ku jiraan Sentebale iyo WellChild. Shirkadda buugga daabacaysa ayaa waxa ay xaqiijisay in labadaasi hay’adood ee kor ku xusan ay sida ay u kala horreeyaan u kala heli doonaan $1.5m iyo £300,000. Weriyaha BBCda uga soo warrama Boqortooyada UK, Sean Coughlan, ayaa sheegay in cinwaankan Spare, oo ah cinwaanka uu Amiir Harry u dooray inuu ku soo baxo xusuus qorkiisa, uu u muuqanayo qeyb ka mid ah oraahda ah in boqortooyinka ay u baahan yihiin “qof dhaxal suge ah iyo qof dheeraad ah”. Amiir William ayaa ah dhaxalsugaha halka Amiir Harry uu qaabka noloshiisa ku sheegayo inuu yahay “qofka dheeriga ah ee soo haray”, kaas oo ah midka yar carruurta boqorka kaas aanay suuragalba ahayn inuu awoodda qabto, sidaas daraadeedna ay door bidayaan inay noloshooda raacdaan. Buuggan, oo la sii xaqiijiyay in si fiican loo gadan doono kahor inta aanan la daabicinba hal bog oo dhigaalkaasi ah, ayaa waxa uu ballan qaadayaa “xog aanan la faaf-reebin, iyo daacadnimo”, halka jaldiga buuggana uu muujinayo Amiir Harry oo aan libiqsanayn. Hasayeeshee buugga ayey sidoo kale tahay in xogta ku jirta la isu dheeli tiro. Wax badan ayaa isbaddelay tan iyo markii koobaad ee la shaaciyay in buuggan la daabacayo. Boqorad Elizabeth II ayaa dhimatay, aabihii Boqor ayuu noqday, Camilla-na waa boqoradda. Waxaa jiri doonta baahi sidii hore ka weyn oo loo qabo in la dhageysto sheeko wax walba lagu soo badhigayo oo ku saabsan qof xasuustiisa. Balse hadda soo wax badan kuma hallaabi karaan in wax kasta la sheego? Imisa wax oo laga naxo ayaa kusii darsami doona waxyaabihii ay Harry iyo Meghan ku sheegeen wareysigii ay siiyeen Oprah? Markii 2021 lagu dhawaaqay heshiiska ah in Amiir Harry uu qoro sheekadiisa, ayuu amiirku waxa uu ballanqaaday inuu soo gudbin doono “waxyaabihii heerka sare ahaa iyo kuwii hooseeyay” uuna sidoo kale u soo gudbin doono “sida ugu saxsan oo ah run aan barax lahayn”. Oraahdaas ayaa laga dhigay bayaanka lagu beecgaynayo buugga, taas oo oranaysa: “Xog aanan la faaf-reebin iyo daacadnimo ayuu buugga Spare ku soo bandhigayaa aragtida, qiimeynta nafta, iyo murtida la xiriirta in awoodda jaceylka laga doorbido murugo.” Buugga ayaa dunida oo dhan hal maalin lagu daabici doonaa waxaana lagu heli doonaa 16 luuqadood. Amiirka iyo amiiradda Sussex ayaa 2020 ku dhawaaqay in ay ka fariisanayaan waajibaadka boqortooyada, ayna shaqeysan doonaan si ay dhaqaale ahaan u madax bannaanaadaan. Waqtigaas, aqalka Buckingham Palace iyo boqorrada sarsare ayaa muujiyay sida ay uga niyad-jabeen ayna u dhaawacday arrintaasi. Harry iyo Meghan ayaa haatan waxa ay labadooda canug, wiilka oo lagu magacaabo Archie iyo gabadha oo lagu magacaabo Lilibet, kula noolyihiin waddanka Mareykanka. Shirkadda buugga daabacaysa ayaa qoraaga waxa ay ku tilmaantay: “Amiir Harry-ga Sussex, waa xaasle, aabe, dadka u gargaara, halyey milateri, waxa uu u ololeeyaa caafimaadka dhimirka, iyo deegaankaba. Waxa uu qoyskiisa iyo saddex ey oo ay leeyihiin ku nool yihiin Santa Barbara, California.” ayaa lagu qoray qeybta dahsoon ee galka buugga." https://www.bbc.com/somali/articles/cz93g9nne7go +health Raac talooyinkan si aad u ilaaliso caafimaadka caloosha "Bakteeriyada iyo kuwa kale ee ku nool gudaha xiidmahaaga waxay door ka ciyaaraan dhinacyo badan oo kamid ah caafimaadka qofka. Bakteeriyada waxtarka leh ee ku nool caloosha ayaa jirkaaga ka caawin kartaa inuu hagaajiyo shaqada difaaca, habaynta nafaqooyinka, heerka cunta cunidda qofka iyo wanaajinta fayoobida maskaxdaada. Haddaba xoojinta caafimaadka caloosha iyo dheefshiidka waxay ku xiran tahay in qofka uu wax ka baddalo hab nololeedkiisa, waa arrin qofka uu ku dhaqaaqi karo maalin kasta. Arrimaha deegaanka, sida cuntada, ayaa la ogaaday inay saameyn weyn ku leeyihiin hiddo-sidaha caafimaadka dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah. Tani waxay ka dhigan tahay in waxa aad cunayso aysan adiga kaliya ah nafaqo kuu aheyn, sidoo kale waxay nafaqo u yihiin oo ku tiirsan balaayiin noolaha Microbes-ka loo yaqaano ee aan isha qaban ee ku nool kuna koraya mindhicirada banii'aadanka. Waxaa laga yaabaa inaad si dhakhso ah u beddesho bakteeriyada ku jirta mindhicirkaada, xitaa maalmo gudahood, laakiin waxay qaadan kartaa dhawr bilood iyo taageero joogto ah si loo muujiyo isbeddelada muddada dheer iyo faa'iidooyinka, ayuu yiri Dr Patel oo ah dhakhtar ku takhasusay arrimaha caafimaadka. Haddaba sidee baad u samaynaysaa arrintaas? Cuntooyinka sida khudaarta, miraha, digirta,lawska, iyo miraha oo dhan, waxa ku jira qolof-ta ay microbes-ka jecel yihiin. ""Waxaan ku talinayaa in toddobaad kasta la cuno 30 khudaar ah iyo miraha kala duwan,"" ayuu yiri Dr. Megan Rossi, oo qaabilsan caafimaadka mindhicirada. Mindhicirka caafimaadka leh waxaa ku nool microbes kala duwan, mid kastaa wuxuu door bidaa cuntooyin kala duwan, sidaa daraadeed noocyada badan ee aad cunayso, bakteeriyada waxay ku koraan mindhicirkaaga. Cunista miraha iyo khudaarta ayaa faa'idooyin u leh caafimaadka qofka, waxay qofka siineysaa maadooyinka phytochemicals, kuwaas oo gacan ka geysan kara kordhinta noocyada bakteeriyada ku nool xiidmaha qaarkood. Noocyada cuntooyinka qolofta leh iyo karbohaydraytyada qaarkood ayaa si gaar ah kor ugu qaada koritaanka bakteeriyada wanaagsan ee mindhicirka. taas oo loo yaqaan cuntooyinka prebiotic. Mooska, basasha, toonta, caleenta, miraha, dhir iyo canabku waa dhammaan cuntooyinka leh prebiotics. Cuntooyinkan waxa beddelay nooleyaal yaryar, sida bakteeriyada iyo khamiirka (Yeast), waxay xoojiyaan dhadhanka ama waxay ilaaliyaan tayada cuntada. Cuntooyin badan oo khamiir leh ayaa nafaqo leh sababtoo ah waxay ka kooban yihiin fiitamiin, macdan, iyo nafaqooyin, sida borotiin, iyo dufan, kuwaas oo lagama maarmaan u ah caafimaadka qofka. Cuntooyinka khamiirka leh waa raqiis waana sahlan tahay in guriga lagu diyaariyo, cuntooyinka lagu daray khalka ama kuwa laga dilay bakteeriyada , wax faa'ido ah uma lahan noolaha mindhicrada ku nool ee Microbes. Professor Tim Spector, oo ka tirsan King's College London, ayaa dadka ku taliyay in la xaddido cuntooyinka sida aad ah loo soo warshadeeyay. Wuxuu sheegay in cuntooyinka warshadeysan ay hoos u dhigi karaan kala duwaanshaha bakteeriyada mindhicirada. Cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ayaa sidoo kale lala xiriiriyay dhibaatooyinka lasoo dersa qofka sida shubanka, gaaska, calool xiranka. Shanta cunto ee ay habbooneyn inaan si joogta ah u isticmaalno Waa maxay cuntada Faraaciinta laga soo gaaray ee caanka ka ah Masar? Shanta cunto ee mustaqbalka In qofka uu muddo 12 saacadood ah u kala dhexeysiiyo cashada iyo quraacda ama soonka joogtada ah waxay tallaabadaas sare u qaadeysaa caafimaadka mindhicirada qofka, waxay caawineysaa dheefshiidka, sida uu sheegay Professor Tim Spector. Wuxuu yiri, "" waxay noqon kartaa in mindhicirka laga yaabo in ""u baahan yihay inuu nasto ​​oo uu kasoo kabto qayb ka mid ah wareegga maalinlaha ah, taas oo muhiim u ah caafimaadka mindhicirka,"" Cuntooyinka isku dheelitiran iyo dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah ayaa waxay qofka ka caawin karaan xoojinta caafimadka caloosha. Cunto caafimaad leh, oo dheellitiran ayaa kaa caawin karta ka hortagga cudurrada la xiriira cuntada waxayna ku siin kartaa tamarta iyo nafaqooyinka aad u baahan tahay si aad u firfircoonaato oo aad u ilaaliso miisaanka, sida uu qabo xarunta bixiso adeegyada qaranka ee UK, NHS." https://www.bbc.com/somali/war-61199391 +health Aishwarya Rai Bachchan oo la dhigay cisbitaal Aishwarya Rai Bachchan ayaa loo qaaday cisbitaal kaddib markii laga helay cudurka Covid-19 bilowgii toddobaadkan. Aktaraddan Hindiga ah, oo horey u ahayd Miss World isla markaana ka mid ah wajiyada ugu caansan Bollywoodka, ayaa lagu dabiibayaa cisbitaalka Nanavati ee magaalada Mumbai, wakaalada ANI ayaa sidaasi werisay. Isla sidoo kalena gabadheeda Aaradhya ayaa iyana loo qaaday isbitaal, sida ay wakaalada PTI ay werisay. Aishwarya ninkeeda Abhishek iyo soddoggiisa Amitabh Bachchan, oo labaduba ah jilaa caan ah, ayaa iyana hore ugu yaalley dhakhtarka tan iyo Sabtidii. Axaddii, Amitabh Bachchan oo 77 jir ah, ahna halyeeyga Bollywood-ka kaasoo caan ka noqday adduunka oo dhan muddadii dheerayd ee uu jilaaga ahaa, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in laga helay Corona Taxane kale oo qoraal ah oo lagu baahiyey Twitterka oo uu soo dhigay wiilkiisa Abhishek, oo sidoo kale ah isna jilaa caan ah, ayaa xaqiijiyay in isaga, afadiisa 46-jirka ah ee Aishwarya iyo siddeed jirtooda Aaradhya ay sidoo kale iska heleen xanuunkan Jaya Bachchan, oo sidoo kale iyana ah Aktarad caan ah iyo Amitabh Bachchan xaaskiisa, ayaa se laga waayey oo aan laga helin. Ilaa iyo hada Aishwarya Rai iyo Aaradhya ayaa ku go'doonsanaa gurigooda. Warka sheegaya in qoyskan, oo badanaa lagu tilmaamo boqortooyada Bollywood, in uu saameyn ku yeeshay coronaviru,s waa calaamad naxdin badan u ah India oo dhan. Toddobaadkan, kumanaan taageerayaal ah ayaa duceeyay in qoyskani soo kabto. Jimcihii Hindiya ayaa diwaan gelisay rikoor dhan 35,000 oo kiisas cusub oo coronavirus ah muddo 24 saacadood ah, iyaga sida oo kalena ka sare maray hal milyan. Waddanku wuxuu hadda yahay dalka saddexaad ee kiisaska ugu badan adduunka, ka dib US iyo Brazil. Tirada dhimashada hadda waa 25,602. Gobolka galbeedka ee Maharashtra, oo ay Mumbai ku taal, ayaa weli ah meesha ugu weyn ee leh kiisaska ugu sarreeya - in ka badan 280,000 - dhammaan gobollada ayay ka sarreeyaan. https://www.bbc.com/somali/war-53454359 +health Soomaaliya: Covid-19 oo dad badan soo ritay "Waxaa kordhaya tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19, isla markaana loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka. Kulan ay xalay yeesheen mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid yihiin ra'iisal wasaare kuxigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo wasiirka caafimaadka Fowsiya Abikar Nuur, ayaa looga hadlay ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka. ""Si loo xakameeyo faafidda cudurka Covid-19, waa in wasaaradda caafimaadka ay qasab ka dhigto xirashada maaskaraha. Waa inay muddo laba todobaad ah karantiisho dadka ka soo safra UK, maadaama Soomaaliya aysan la tacaali karin nooca cudurka ee ku faafay UK. Todobaadkan, laba qof oo UK ka yimid, lagana helay cudurka ayaa u dhintay,"" ayuu sheegay xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in dalka ay keeneyso tallaalka si looga hortaggo cudurka. Agaasimaha Cisbtaal Martiini Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed oo sidoo kale ah madaxa la dagaallanka cudurka Covid-19 ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore BBC u sheegay inay diiwaangeliyeen tiradii ugu badneyd ee uu cudurka ku dhacay muddo lix bilood gudahood. ""Usbuucan aan hadda ku jirno iyo isbuuci la soo dhaafay tiradii ugu badneyd ee aan helnay ayay noqotay muddo lix bilood ah. Agoosto sanadkiii hore ayaa inoogu dambeysay xaalado sidan oo kale ah"" Wuxuu intaas ku daray in haatan uu cudurka ku soo labo kacleeyay dalka taasina ay ugu wacan tahay dhowr arrimood oo ay kamid yihiin in xuduudaha dalka ay furan yihiin iyo dadka oo aan u hoggaansamin talooyinka ka hortagga cudurka. Dr Maxamed Maxamuud Cali Fuje oo kamid ah guddiga dowladda ay u xilsaartay dedaallada looga hortagayo cudurka Covid-19 ayaa sheegay in tirada kiisaska cudurka ay diiwaangeliyeen bishan ay sare u kacday marka loo barbardhigo bilihii hore. ""In cudurkii Covid-19 uu soo laba kacleeyay oo welib xoog usoo laba kacleeyay waxaa caddeyn u ah marka aan is barbardhigno bishii January iyo February. February koowdeedii ilaa 11-kii tiradii laga helay waxa ay korortay boqolkiiba 52,"" ayuu yiri Dr Fuje oo la hadlay warbaahinta dowladda. Wuxuu shacabka kula taliyay inay raacaan talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo cudurka Covid-19. Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ayaa dhanka kale sharraxaad ka bixiyay sababaha loo maleynayo in cudurka uu kusoo laabto Soomaaliya xilli dalka uu ka taagan yahay khilaafka ku aadan hannaanka doorashada. ""Dadkii oo markii hore iska iloobay jiritaanka xanuunkan ayaa sabab u ah. Waxaan habayaraatee hirgalin ama dhaqangelin tallaabooyinka lagu xakameeyo fiditaanka xannuunkan, oo isu socodka ayaa sidiisii u socda, dadku ma xirtaan af-gashiga, gacan qaadka aad buu u badan yahay, goobaha la isugu yimaado waa la buux dhaafiyay, taas waxay aad u sahashay inuu degdeg u faafo xanuunkan iyo inuu gaaro dadka nugul ee uu soo ridanayo,"" ayuu yiri dhakhtarka. Dowladda Soomaaliya waxay dhawaan sheegtay in tallaalka la siin doono, howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada dowladda ama kuwa gaarka loo leeyahay, Booliska, macalimiinta iyo shaqaalaha dowladaha hoose. dadka da'doodu ka weyn tahay 50 sano iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan. Dr Cabdirisaaq wuxuu sheegay in tallaalka la geyn doono dalka kaddib marka la hubiyo badqabkiisa iyo waxtarkiisa. ""Tallaalka wuxuu marayaa habraacyo badan oo caalami ah. Soomaaliya tallaalka deeq bey ku heleysaa waxaana ugu deeqaya ha'yadaha caalamiga ah. Waxaan sugeynaa tallaalka inuu buuxiyo shuruudihii loogu talagalay oo ah in uu aqoonsi ka helo Ha'yadda Caafimaadka Adduunka in la hubiyo oo la xaqiijiyo badqabka tallaalka iyo fayo-qabkiisa,"" ayuu yiri Dr Cabdirisaaq. Ka Jir Soomaaliya Coronavirus Coronavirus: Diyaargarowga Soomaaliya ee la dagaallanka fayraska Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay inay bukaanno Kale u geeriyoodeen coronavirus ""Waxaan ku dhawaaqnay in tallaalka dadka Soomaaliyeed ay daruuri tahay...waxaan sameynay qorshe lagu xisaabinayo tirada tallaalka aan u baahan karno, waxaana u gudbinnay Ha'yadda Caafimaadka Adduunka"" ayuu yiri Agaasimaha cisbitaal Martiini. Wuxuu sidoo kale sheegay in mar kasta ay diiradda saari doonaan inay soo qaataan tallaalka ugu badqabka badan isla markaana si weyn looga taxadaro hanaanka dadka lagu tallaalayo, dadkana la siin doono wacyigelin ku aadan tallaalka. ""Waxaa barbar socon doonaa wacyigelin, waxaa kale barbar socon doonaa in dadka la baro oo si sax ah oo cilmiyeysan oo aqoon ku dhisan loogu sheego tallaalka faa'idadiisa,"" ayuu yiri dhakhtarka." https://www.bbc.com/somali/56013161 +health Coronavirus oo 'faraj' u furay kalluumaysatada Kenya "Guud ahaan qaaradda Afrika, fayraska Corona ayaa culays ku keenay dhinacyo badan oo dhaqaalaha ah, waxaana joogsaday inta badan ganacsiyada. Balse waxaa jira dad ka faa'iiday cudurkan caalamka saameeyay. Tusaale ahaan, ganacsatada kalluunka fresh-ka ah ee dalka Kenya ayaa faa'iido badan ka sameeyay baahidda ay shacabka u qabaan hilibkaasi cad, kadib markii la joojiyay kalluunkii laga soo dhoofin jiray Shiinaha. Kalluumaysata xeebta Dunga ee harada Victoria ayaa waxaa si wanaagsan ugu kala socda ganacsigooda kalluunka. Sicirka kalluunka ee Dunga ayaa sare u kacay boqolkiiba 40 labadii todobaad ee la soo dhaafay, sababtuna waa fayraska Corona. Sida wararka beenta ee corona u faafaan Shiineyska oo ka cabanaya faquuq ka dhashay Caabuqa Corona Maxaad ka taqaannaa dhakhtarka Soomaaliga ah ee dagaalka Corona ka wada Talyaaniga? Waxaa yaraaday kalluunka laga soo dhoofin jiray dalka Shiinaha oo ah halka uu cudurka ka bilowday. Dadkuna waxa ay walaac ka qabaan iibsashada wax kasta oo uga yimaada dalkaasi, Labadaasi arimood ayaa sare u qaaday baahidda loo qabo kalluunka laga soo dabo harada. ""Kalluumaysata harada Victoria ayaa hadda ah kuwo faraxsan, sababtoo ah waxa ay helayaan macaamiil badan. Xeebta Dunga ayaa hadda ah meel ay aad usoo buux dhaafiyeen dadka ku nool magaalada Kisumu ee doonaya kalluunka fresh-ka ah, waayo dadka waxa ay cabsi ka qabaan kalluunka laga keeno Shiinaha fayraska Corona awgii,"" ayuu Maurice Misodhi oo ah madaxa maamulka xeebta Dunga. Kahor inta aanu dillaacin fayraska Corona, kalluumaysata maxalliga ah ayaa la daallaa dhacay suuq u helidda kalluunkooda. Kalluunka laga soo dabo harada ayaa laba-laab ka qaalisanaa kan laga soo dhoofin jiray Shiinaha. Taasi ayaa dhalisay in kalluumaysata ay qiimo aad u jaban ku iibiyaan kalluunkooda ama ay guryahooda geystaan si halkaa loogu cuno. Hase yeeshee Jackline Nyaboro oo kalluunka ku iibisa Dunga ayaa sheegaysa in hadda ay macaamiisheeda doonayaan inay kalluunka ka iibsadaan qiimo kasta oo uu yahayba. ""Fayraska Corona awgii, dadka iibiya kalluunka Shiinaha ayaa khasaaro la kulmay, sababtoo ah si caadi ah uma wadi karaan ganacsigooda. Maadaama aan kamid ah ganacsatada kalluunka harada, fursad gaar ah ayaan hadda haystaa oo waxaan ku iibin karaa qiimaha aan doono,"" ayay tiri Jackline. Kenya ayaa sanadkii 2018 dalka Shiinaha ka soo dhoofsatay kalluun la qallajiyay oo qiimihiisu dhan yahay 23 milyan oo dollar. Ganacsatada kalluunka ee harada Victoria ayaa in badan ka cawday kalluunka raqiiska ah ee laga soo dhoofiyo Shiinaha iyagoo sheegay inuu dhulka la galay ganacsatada maxalliga ah. Kalluunka Shiinaha ayaa boqolkiiba 50 haystay suuqa Kenya, balse tiradaasi ayaa aad hos ugu dhacday tan iyo markii uu bilowday fayraska Corona. Hase yeeshee arintaasi ayaan war wanaagsan u ahayn dadka oo dhan. Qiimaha sare ee kalluunka maxalliga ah ayaa hoos u dhigay faa'iidada ay helaan ganacsatada tafaariiqleyda ah sida Caroline Ochieng oo kale. ""Maadaama aan kamid ah haweenka kalluunka Shiinaha ku iibiya Kisumu, qiimo jaban ayaan ku helnaa, balse marka la soo dhoofin waayo, waxaan iibsannaa kalluunka haradeena oo ah miid qiimihiisu sarreeyo. Waa taas sababta aan u dooneyno inaan u helno kalluunka Shiinaha laga soo waarido iyo weliba kan laga soo dabo haradeenna si aan u dareemin culeyska ganacsiga,"" ayay tiri Caroline. Kalluunka Shiinaha ayaan Kenya la keenin tan iyo bishii November 2019. Waxaa jirta cabsi ah in kalluumaysata maxalliga ah ay haqab-tiri waayaan baahidda sii kordheysa ee bulshadu u qabto hilibkaasi cad. Balse xilligan waxa ay ku faraxsan yihiin faa'iidada wanaagsan ee ay helayaan." https://www.bbc.com/somali/war-52087257 +technology Burcadda Internet-ka Ruushka oo mar kale bartilmaameedsaday doorashada Mareykanka "Burcad dhanka internet-ka ah oo xiriir la leh Ruushka,Shiinaha iyo Iiraan ayaa isku dayaya inay macluumaad sirdoon ka helaan shaqsiyaad iyo kooxaha ku lugta leh doorashada madaxwaynanimada Mareykanka ee 2020, waxaa sidaasi sheegtay shirkadda Microsoft. Burcadan dhanka internet-ka ee iyagu jabsaday ololihii doorashada 2016 ee xisbig Dimuqraadiga ayaa mar kale ku lug leh howlahani, sida lagu sheegay bayaanka shirkadda tiknoolajiyada ee Microsoft. Microsoft ayaa intaa ku dartay ""inay caddahay inay sii xoojiyeen dadaaladooda ay wadaan kooxaha ajnabiga ah ee bartilmaameedsanaya doorashada"". Kooxahani geysta weerarka dhanka internet-ka ayaa bartilmaameedsanaya Ololaha doorashada madaxwayne Donald Trump iyo musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden. Burcadda internet-ka Ruushka ee kooxda Strontium ayaa bartilmaameedsaday 200 oo urur oo intooda badan xiriir la leh xisbiyada siyaasadda Mareykanka ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga , sida lagu sheegay bayaanka shirkadda Microsoft. Isla burcaddani internet-ka ayaa waxay bartilmaameedsadeen xisbiyada siyaasadda ee UK, sida ay sheegtay Microsoft, iyada oo aan cayimin xisbiga sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday. Kooxdani Strontium ayaa waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Fancy Bear, waxaana la sheegay inay yihiin garab ka tirsan sirdoonka militariga Ruushka. ""Si la mid ah waxyaabihii aan aragnay 2016, kooxda Strontium ayaa qaadaya olola ay ku doonayaan inay galangal ku yeeshaan cinwaano taasi oo looga gol leeyahay in lagu uruuriyo xogg dhanka sirdoonka ah islamarkana lagu carqaladeynayo howlaha socda,"" ayuu yiri Tom Burt, oo ah ku xigeenka madaxa dhanka ammaanka macaamiisha u qaabilsan shirkadda a Microsoft. Shirkadda ayaa intaa ku dartay in burcad dhanka internetka ah oo ka socota Shiinaha ay weerar ku qaadeen shaqsiyaad ka tirsan ololaha doorashada ee Mr Biden, halka burcadda internet-ka ee iiraan gacan saarka la leh ay sii xoojiyeen dadaalka ay ku bartilmaameedsanayaan oloalaha doorashada madaxwayne Trump. Doorashadii 2016 ee Mareykanka ayaa waxaa Ruushka lagu eedeeyya inay faragaliyeen gaar ahaan iyaga oo gacan siinaya xisbiga Jamhuuriga ee madaxwayne Trump. Ruushka ayaa beeniyay eedeymaha ah inay galaangal ku yeesheen doorashadii Mareykanka ee 2016." https://www.bbc.com/somali/war-54097992 +technology Magaalo ay gawaarideeda kala hagaan boombaleyaal "Mid ka mid ah magaalooyinka dalka Hindiya ee ay ka jirto saxmadda ugu badan ee dhinaca gawaarida ayaa la timid qorshe aan horay loo arag oo xal loogu raadinayo darawaliinta sharciga ka tallaabsada. Boombaleyaal loo ekeysiiyay bani'aadan, oo loo maleynayo askarta ilaalada sharciyada waddooyinka ayaa la istaajiyay waddooyinka magaalada dhinaca koonfureed ku taalla ee Bangalore. Iyagoo loogu labisay dharka ciidamada taraafikada ee isugu jira shaatiga cad iyo surwaalka bunniga ah, islamarkaana loo xiray okiyaaleyaal madow, ayey ka howlgalayaan isgowsyada ku yaalla waddooyinka waaweyn ee magaalada. Waxaa rajo laga qabaa in darawaliintu ay ku khaldi doonaan ciidamada booliska ee saxda ah, sidaas awgeedna aysan ku dagdagi doonin inay sharciga waddada ka tallaabsadaan. Magaalada Bangalore, oo hoy u ah cilmiga tiknoolojiyadda ee dalka Hindiya, ayaa waxaa ka diiwaangashan 8 milyan oo gaari, kuwaasoo si joogto ah u isticmaala waddooyinkeeda. Tiradan ayaa la filayaa in sanadka 2022-ka ay sii gaarto in kabadan 10 milyan oo gaari. Xawaaraha baabuurta magaaladan ayaan inta badan dhaafin 18.7 km/h (11.61 mph), waana magaalada labaad ee ugu saxmadda badan dhinaca gawaarida, guud ahaan dalka Hindiya, marka laga soo tago magaalada Mumbai. Xogtan waxaa lagu sheegay daraasad uu soo saaray xafiiska socdaalka ee lagu magacaabo MovinSync Technology Solutions. Kaamirooyinka ku xiran meelaha isgoysyada ah ayaa maalin walba duuba in ka badan 20,000 oo ah khaladaadka lagu sameeyo sharciga waddooyinka. Haseyeeshee, dadka gaadiidleyda ah ayaa ra'yi kala duwan ka qaba in boombaleyaashan ay soo kordhinayaan xal loo helo dhibaatada jirta. Qaar baa aaminsan inay wax soo kordhinayaan. ""Si fiican ayey u muuqdaan. Marka aad si dhow u eegto unbaad fahmi kartaa in aysan ahayn askar sax ah. Marka waxay sabab u noqonayaan in dadka gawaarida wata ay si wanaagsan u ilaaliyaan shuruucda, kuwa mootooyinka saaranna ay u hoggaansamayaan wax walba oo sharciga uu dhigayo"", sidaas waxaa yiri Gautam T, oo ah arday jaamacadeed. Gautam iyo saaxiibkiis Talah Fazal had, oo ay isla dhigtaan jaamacadda waxay sawir la galeen mid ka mid ah boombaleyaasha waddooyinka la istaajiyay. Sidaasoo kale, Saravana - oo magaciisa sidaas kusoo gaabiyay - ahna darawal kaxeeya mooto saddex-lugoodley ah, wuxuu mootadiisa dhigtay meel u dhow calaamad muujineysa inaan wax gaadiid ah la dhigi karin meeshaas, kuna xigta meesha uu taagan yahay mid ka mid ah boombaleyaasha. Laakiin wuxuu yiri: ""Boombalahan wuxuu kugu khasbayaa inaadan ka tallaabsanin sharciga waddada"". Dhinaca Twitter-ka, arrintan waxay ka noqotay mid aad loogu maadeysto, dad badan ayaana hadal haya. Saleela Kappan, oo ah khabiir ku xeeldheer dhinaca xiriirka bulshada, ayaa sheegtay in barnaamijkan ay u aragto ""wax lagu qoslo"". ""Boombaleyaashan aad bay ugu egyihiin ciidankeenna booliska saxda ah ee waddooyinka ku sugan. Laakiin aniga uma maleynayo inay wax soo kordhin karaan, sababtoo ah dadku waxay sharciga jabiyaan xitaa iyagoo ay boolisku isgoysyadan ku sugan yihiin"", ayey tiri. BR Ravikante Gowda, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dhowrista shuruucda waddooyina ee magaalada Bangalore, ayaa sharraxaya ujeeddada ka dambeysa tallaabadan ay qaadeen: ""Fikradda ku saabsan in boombaleyaashan la istaajiyo waddooyinka, oo maalin walbana la dhigo meelo kala duwan, sababteeda waa dadka oo anshaxooda ilaaliya marka ay ujeedaan inuu askari taagan yahay goobta. Laakiin marka aysan askari u jeedin, wax sharci ah ma dhowraan"". Askari kale oo ka gaabsaday inuu magaciisa xuso, ayaa sheegay in boolisku ay sidoo kale darawaliinta ku jahwareeriyaan barnaamijkan, iyagoo mararka qaar askari sax ah istaajiyo goobtii lagu ogaa askariga boombalaha ah. ""Dhowr isbuuc ayaa kasoo wareegtay markii aan waddooyinka soo dhignay. Dadku way ka labalabeeyaan inay sharciga jabiyaan. Way jahwareereen maadaama aan boombaleyaasha maalin kasta ku baddalno askar run ah"", ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/war-50729590 +politics Waa tuma Shamima Begum, gabadha lagala noqday sharciga Britain ee IS ka midka ahayd? "Shamima Begum ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabato dalka Britain si ay dadaal dheeraad ah u geliso in meesha laga saaro go'aankii loogala laabtay dhalashada dalka UK. Haddaba waa tuma gabadhan, maxayse tahay sabata loogala labtay dhalashadeeda Britain? Shamima waxay ka mid tahay saddex dumar ah oo dhiganayay iskuul ku yaalla Bariga magaalada London, kuwaas oo u safray dalka Suuriya, si ay uga mid noqdaan kooxda la baxday Khilaafada Islaamka, sannadkii 2015-kii. Waxay ku dhalatay Britain. Waalidiinteeda waxay asal ahaan ka soo jeedaa dalka Bangladesh. Shamima Begum, oo hadda ay da'deedu tahay 20 sano, ayaa inkabadan saddex sano ku dhex noolayd deegaannadii ay ISIS maamulayeen ee Suuriya, waxaana la arkay iyadoo leh uur sagaal bilood ah xilli ay ku sugnyed xero qaxooti oo ku taala dalka Suuriya sannadkii 2019-kii. Haseyeeshee cunugeeda ayaa markii damabe u dhintay oof-wareen. Gabadhan waxaa horay uga dhintay laba carruur ah oo ay dhashay. Markii la ogaaday in ay ka mid ahayd ururka la baxay Khilaafada Islaamka, wuxuu wasiirkii arrimaha gudaha Britain ee xilligaas, Sajid Javid uu kala laabtay sharcigii iyo dhalashadeeda dalka Britain. Waxaa hadda loo ogolaaday in ay racfaan ka qaadato go'aan dowladda, waxayna Shamima bilowday inay racfaankeeda go'aankaas ay gudbiso, waxayna heshay fursad ah in ay dib ugu noqoto Britain. Mid ka mid ah gabdhihii la safray oo lagu magacaabo Kadiza Sultana, ayaa lagu dilay weerar bambo, balse lama oga xaaladda gabadhii kale ee ay wada socdeen. Dhalashada waxay tahay in qofka uu xaq u helo in uu ku noolaado dal uu dhalashadiisa heysto. UK, qofka heysta dhalashada dalkaas wuxuu xaq u yeelanayaa helidda xuquuq lamid ah kuwa ay helaan muwaadiniinta kale, sida daryeel bulsho, caafimmaad iyo inay codkooda dhiibtaan xiliga doorashada. Waxaadna muwaadinimada dalka Britain waxay noqon kartaa haddii: Sannadkii la soo dhaafay oo keliya dad gaaraya 159,380 ayaa la siiyay dhalashada dalka Britain, waxaana sharciga dalkaa uu dhigayaa in muwaadiniinta ay qaadan karaan dhalashada hal dal ka badan. Dalka Britain, wasaaradda arrimaha gudaha waxay xaq u leedahay in dadka qaar ay kala laabto dhalashadooda, haddii qofka lagu helo dembiyada kala ah: Sababta loo cuskaday in sharciga lagala noqdo Shamima Begum ayaa la sheegay in ay tahay inay kasoo horjeesatay danaha dadweynaha. Sharciga caalamiga wuxuu dhigayaa inay sax tahay in qofka laga la laaban karo dhalashadiisa haddii uu heli karo dhalashada dal kale. Maxkamadda racfaanka ayaa horraantii sannakan amartay in Shamima dhalashadeeda la kansalay ay tahay mid sax ah, maadaama ay asal ahaan ka soo jeeda dalka Bangladesh. Inta badan sida dhacday, dadka lagala laabto dhalashada waxay ku qotantaa khatar amni sida argagixisanimo, ama dembi adag oo uu qofka galay. Muwaadiniit Britain, waxaana sidoo kale laga ceshtaa baasaboorka. Qaar badan oo ka mid ah ajaaniibta u safray dalalka Ciraaq iyo Suuriya si ay ugu biiraan IS ayaa si qarsoodi ah ku gaaray halkaasi. Balse xog uu daabacay Machadka King's College ee London, ayaa muujinaysa in dad lagu qiyaasay 52,808 oo isugu jira rag, dumar iyo caruur ay u safreen dalalka Suuriya iyo Ciraaq, waxaana jira kuwo ay carruur u dhasheen xilligii ay kooxda IS ka talinayeen Ciraaq iyo Suuriya sannadihii 2013 illaa 2018. Dalal kala duwan sida Ruushka iyo waddamo ku yaalla Aasiya, ayaa dib u celiyay boqollaal ka mid ah muwaadiniintooda ee kooxda ka mid ahaa. Balse wadamada Reer Galbeedka ayaa dib ula noqday tiro aad u yar islamarkana kuwa loo ogolaaday in ay soo laabtaan ayaa u badnaa carruur. Waxaa sidoo kale jira dhowr boqol oo haween iyo caruur isugu jira oo iyagu si iskood ah dalalka Yurub ugu soo laabtay. Dalal badan ayaa markii ay dagaalyahannadan u safreen Ciraaq iyo Suuriya, waxay badaleen ama soo saareen sharciyo cusub oo lagula dagaalamayo waxa ay ugu yeereen argagixisada. Sida ku cad warbixin ay soo saareen baarlamaanka Yurub, inta badan dalalka qaaraddaas ayaa dagaalayahanada IS ee soo laabtay waxay ku sameeyaan ""baaritaanno dambi iyo dacwad ku oogis"". Dalalkan waxay sidoo kale sameeyeen barnaamijyo lagula dagaalamayo fikradaha xagjirnimada. Tallaabooyiinka kale ee ay qaadeen waxaa ka mid ah in dagaalyahanada ku biiray ururka la baxay Khilaafada Islaamka, laga qaado aqoonsiyadooda amaba Baasboorada laguna soo rogo xannibaad adag oo dhanka safarka ah. Caruurta waxaa inta badan la geeyaa xarumaha lagu xanaaneeyo." https://www.bbc.com/somali/war-53443745 +health Gabadh dhiigga caadada ceeb looga dhigay oo isdishay "Gabadh iskuuley ah oo u dhalatay dalka Kenya ayaa isdishay ka dib markii sida la sheegay ceeb looga dhigay inuu ku dhacay dhiigga caadada, dharka iskuulkana uu uga hallaabay. Hooyada dhashay gabadha 14 kirka ahayd ayaa sheegtay in gabadheeda ay isdaldashay ka dib markii uu si xun u bahdilay acallinkeeda, sida ay maanta shaaciyeen warbaahinta dalka Kenya. Ciidamada booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday inay kala eryaan qiyaastii 200 oo waalidiin ah oo mudaharaad ku sameeyay bannaanka hore ee Iskuulka ay gabadha dhimatay dhiganeysay. Kenya ayaa sanadkii 2017-kii meel marisay sharci dhigaya in gabadha iskuulleyda ah fasalladooda loogu geeyo agabka loo isticmaalo in la isaga nadiifiyo dhiigga caadada. Hase yeeshee, guddi ka tirsan baarlamaanka ayaa hadda baaraya sababta ilaa hadda aan adeeggaas muhiimka ah loo wada gaarsiinin iskuullada dalka oo dhan. Hooyada gabadheeda ay isdishay ayaa sheegtay in Jimcadii uu macallinkeeda ugu yeeray ""wasakh"" maadaama ay ciid iska marisay meelihii uu dhiigga uga hallaabay, wuxuuna ka saaray fasalka ay ka dhiganeysay iskuul ku yaalla deegaanka Kabiangek oo dhinaca galbeed ka xiga caasimadda Nairobi. ""Ma aysan heysanin agabka caadada loo isticmaalo. markii uu dhiigga uga hallaabay dharkana, waxaa lagu amray inay ka baxdo fasalka oo ay bannaanka istaagto"", sidaas ayey hooyada ku tiri warbaahinta Kenya. Waxay intaas ku dartay in gabadheeda markii ay guriga timid ah ay uga sheekeysay wixii dhacay, laakiin cabbaar ka dib markii ay biyo aroor aadday waxay go'aansatay inay isdisho. Waalidiinta gabadha ayaa dhacdadan ku wargaliyay booliska, balse waxay ciil ka dareemeen in wax tallaabo ah la qaadi waayay, sida uu tabiyay wargeyska Daily Nation. Iyagoo ay wehlinayaan waalidiin kale ayey Talaadadii dibadbax ka sameeyeen bannaanka iskuulka. Booliska ayaa xabsiga u taxaabay 5 ruux, ka dib markii ay mudaharaadeyaasha waddo isla markaana dhulka dhigeen albaabkii uu Iskuulka lahaa, sida ay wararka sheegayaan. Iskuulkaas ayaana ilaa hadda xiran. Taliyaha booliska ee gobolka Alex Shikondi ayaa sheegay in baaritaanno lagu wado waxyaabaha ku xeeran dhimashada gabadha yar. Maamulihii Iskuulka ay arrintan ka dhacday ayaa ka gaabsaday inuu warbaahinta la hadlo. Kenya, sida waddamo kale oo badan, gabdho badan ayaan dhaqaale ahaan u awoodin inay soo iibsadaan agabka loo isticmaalo caadada. Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay sanadkii 2014-kii ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah 10-kii gabdhood ee ku nool dalalka saxaraha ka hooseeya ay iskuulka seegto maalmaha ay ay ku jirto caadada. Qaar ka mid ah gabdhaha ayaa sababtan awgeed u waaya 20% ka mid ah waxbarashadooda, waxayna taas inta badan u horseeddaa inay meel dhexe uga haraan guud ahaan Iskuulka, sida lagu xusay warbixinta Qaramada Midoobay." https://www.bbc.com/somali/war-49664913 +politics Digniin laga soo saaray dagaal nukliyeer oo lagu halaagsamo: Waa kuwee dalalka laga baqayo inay adeegsadaan? "Adduunyadu waxay hal tallaabo oo si qaldan loo qaado u jirtaa inuu ka dhaco dagaal lagu halaagsamo, la isuna adeegsado hubka wax gumaada ee nukliyeerka, sida uu ka digay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. ""Ilaa hadda waxaan u nasiib-badannahay si aan caadi ahayn,"" ayuu yiri Guterres. Xiisadaha caalamiga ah iyadoo ay sii kordhayaan, “sii jirista bani’aadamka waxay ku xiran tahay hal is-faham-waa oo dhaca, ama xisaab qaldanta oo sababta in la isugu adeegsado nukliyeer,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xoghayaha. Hadalka Antonio Guterres wuxuu ku soo aadayaa xilli uu furmay shirweynaha dalalka saxiixay heshiiska nukliyeerka. Heshiiskaas oo dhacay sanadkii 1968 wuxuu ka dhashay qalalaasaha gantaalaha Cuba. Waa dhacdo inta badan lagu tilmaamo inay ahayd tii ugu dhowayd ee abid sababi gaarta dagaal nukliyeer. Heshiiska waxaa loo dejiyay qaab looga hortagayo in dalal badan ay sameystaan ama in la faafiyo hubka nukliyeerka, iyo in la sii wado hadafka ugu dambeeya ee ah hub-ka-dhigis dhameystiran oo nukliyeerka ah. Inta badan dalalka adduunka oo dhan ayaa saxiixay heshiiska ku saabsan inaan la faafin hubka nukliyeerka oo ay ku jiraan shanta quwadood ee ugu waawayn ee haysta nukliyeerka. Laakiin dalalka faro-ku-tiriska ah ee aan weligood saxiixin waxaa ku jira afar waddan oo la og yahay ama looga shakisan yahay inay heystaan ​​hubka nukliyeerka, kuwaas oo kala ah: Hindiya, Israa’iil, Kuuriyada Waqooyi iyo Bakistaan. Xoghaye Guterres ayaa sheegay in ""nasiibka"" ay dunidu uga badbaadday musiibada nukliyeerka in laga yaabo in uusan sii jirin - wuxuuna ku boorriyay dalalka caalamka inay dib u cusboonaysiiyaan dadaallada lagu baabi'inayo dhammaan hubkaas. ""Nasiibku ma aha istaraatiijiyad. Sidoo kale ma aha wax looga gaashaaman karo in xiisadaha juqraafiyadeed ee ku baahaya adduunka ay isu rogaan dagaal nukliyeer,"" ayuu yiri. Waxa uu ka digay in xiisadaha caalamiga ah ee taagan ay ""dib u soo celinayaan heerar cusub"" - isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay, tusaalena u soo qaatay duullaanka Ukraine, xiisadaha gacanka Kuuriya iyo Bariga Dhexe. Ruushka ayaa si weyn loogu eedeeyay inuu sii hurinayo xiisadda markii maalmo kaddib duullaankii uu bishii Febaraayo ku qaaday Ukraine, uu Madaxweyne Vladimir Putin heegan sare galiyay hubka nukliyeerka ee Ruushka. Waxa uu sidoo kale cawaaqib-xumo ugu hanjabay qof kasta oo is-hortaaga dariiqa Ruushka. Istaraatiijiyadda nukliyeerka ee Ruushka waxaa ka mid ah adeegsiga hubka nukliyeerka haddii jiritaanka dowladda uu halis ku jiro. Isniintii, ayuu Putin warqad u qoray Guterres, taas oo uu ku sheegay ""inaan lagu guuleysan karin dagaal nukliyeer ah, ayna tahay inaan waligiis la furin"". Laakiin, Ruushku wuxuu weli isu arkay in lagu dhaliilay shirka nukliyeerka. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray hanjabaadda milateri ee Ruushka – waxa uuna tilmaamay in Ukraine ay ku wareejisay hubkeeda nukliyeerka xilligii Soofiyeedka 1994-kii, kaddib markii ay damaanad-qaad amnigeeda mustaqbalka ah ka heshay Ruushka. ""Farriin noocee ah ayay tani u direysaa waddan kasta oo adduunka ah oo u malaynaya inuu u baahan yahay inuu haysto hubka nukliyeerka ah - si uu u ilaaliyo, u difaaco, ama uga hortago gardarrada ka dhanka ah madax-bannaanidiisa?"" ayuu waydiin ahaan u yiri. ""Fariinta ugu xun ee suurtagalka ah,"" ayuu raaciyay. Maanta, ilaa 13,000 oo gantaal nukliyeer ah ayaa loo malaynayaa in uu jiro oo shaqeynayo. Sagaal dal ayaa ku hubeysan - aad ayuu uga hooseeyaa qiyaasta 60,000 oo dalalku ay haystaan bartamihii 1980-meeyadii." https://www.bbc.com/somali/articles/c51e7498w67o +politics Waa kuma ninka Bill Gates kaalinta qofka labaad ee ugu taajirsan dunida kala baxay? "Ganacsadaha dhanka tiknoolajiyadda ee Elon Musk ayaa kaalinta koowaad ka galay aasaasaha shirkadda Microsoft Bill Gates si uu u noqdo ninka labaad ee dunida ugu taajirsan ka dib markii ay degdeg ah aykor ugu kacday hantidiisa gaarka ah. Hantida Mr Musk ayaa gaadhay $ 7.2bn (£ 5.4bn) una dhiganta $ 128bn kadib markii saamiyada shirkada gawaadhida ee Tesla ay sare u kaceen. Kaliya aasaasaha Amazon, Jeff Bezos ayaa ka taajirsan, sida uu sheegayo wargeyska Bloomberg Billionaires Index. Waxay timid ka dib markii wararka saamiyada Tesla lagu dari doono S & P 500, oo ah mid ka mid ah saamiyada ugu waaweyn Mareykanka. Taasi waxay kicisay mowjado cusub oo iibsiga saamiyada gawaadhidan korontada ku shaqeeya ah, iyadoo u dirtay qiimaha suuqa ee shirkadda in ka sarreysa $ 500bn iyo kor u qaadista qiimaha Mr Musk ee dhanka ganacsiga. Tesla horey ba wax ay u ahayd shirkadda ugu qiimaha badan ee gawaadhida adduunka, in kasta oo ay soo saartay qayb ka mid ah gawaadhida tartamayaasha la ah sida Toyota, VW iyo General Motors. Maalintii Talaadada, khudbad uu ka jeediyay Jarmalka, Mr Musk wuxuu ku sheegay inay ""macno samayn karto"" in Tesla uu ku sii fido Yurub isagoo baabuur yar la soo galaya qaybta suuqa. ""Mareykanka gudahiisa, gawaadhida waxa ay u muuqdaan kuwo ka mudnaanaya waxyaalaha sida shakhsiga ah loo jeclaysto"" ayuu yidhi. Kadib sanado khasaare ah, Tesla wuxuu arkay shan rubuc oo isku xigta oo faa'iido ah maadaama iibinta gawaadhidooda ay sifiican u shaqeynayaan in kasta oo uu dunida ka jiro xanuunkan safmarka ahi. Shirkaddan fadhigeedu yahay California waxay noqon doontaa soo-galootiga cusub ee ugu weyn ee S & P 500, oo leh qiime ka badan $ 500bn. Taas oo ahayd warkiu ugu farxadda badnaa ee helaan saamilaydeedu. Bill Gates, oo aasaasay shirkadda Microsoft, wuxuu ahaa qofka adduunka ugu qanisan sanado badan ka hor inta uusan Mr Bezos ka saarin kaalinta koowaad sanadkii 2017. Hantida Mr Gates waxay u dhigantaa $ 127.7bn laakiin way ka sii badnaan laheyd hadaanu lacago badan ugu tabarucin sadaqo tobaneeyo sano. Qiimaha saafiga ah ee Jeff Bezos ayaa lagu qiyaasay £ 182bn sida ay sheegayso Bloomberg. Isaguba sidoo kale hantidiisa shaqsiyeed sare ayay kacday sanadkan iyada oo baahida loo qabo adeegyada Amazon ay uu sii kordhiyey cudurkan fidiyaa. Mr Musk, oo si joogto ah u ugu soo muuqda maxkamadaha, ayaa waxaa soo martay toddobaadyadii la soo dhaafay, kuwa aad ugu qaali ahaa. Toddobaadkii hore dhammaadkiisii wuxuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu ""u badan yahay"" inuu hayo Covid-19 isla markaana uu leeyahay astaamo ""qabow yar"" oo kale ah. Waxay timid maalin ka hor intaan afar cirbixiyiyaal ayna ka haadin Xarunta Caalamiga ah ee hawada ee lagu magacaabo Mr Musk's SpaceX oo uu isagu leeyahay." https://www.bbc.com/somali/war-55068027 +technology Maxay dadkan uga guurayaan telefoonnadooda casriga ah? "Iyadoo aan ku nool nahay duni ay dad badan oo inaga mid ah ku mashquulsan yihiin telefoonkooda, Dulcie Cowling ayaa ku dhaqaaqday waxaan caadi ahayn - iyada keedu waaba ay ka guurtay. Gabadhan 36 jirka ah ayaa dhammaadkii sanadkii hore ku fekertay in ka guuridda telefoonkeeda casriga ah uu wanaajin doono caafimaadka maskaxdeeda. Sidaas darteed, waxay bishii la soo dhaafay qoyskeeda iyo saaxiibbadeeda u sheegtay inay qaadaneyso telefoon hore oo nooca Nokia ah kaas oo keliya qofka laga wici karo farriinna looga diri karo. Waxay sheegtay in waxa ku dhaliyay go'aankaas ay tahay maalin ay ku sugneyd beerta nasashada oo ay la joogeen labo wiil, oo ay da'doodu kala tahay lix iyo saddex: ""Waxaan ku mashquulsanaa telefoonkeyga aniga oo meesha lagu cayaaro la joogay carrurta waxaanan eegay waalid walba - waxaa joogay ilaa 20 - waxayna eegayeen telefoonkooda, iyagoo hadba dhan u eegaya,"" ayay tiri. ""Waxaan is weydiiyay 'goormey sidan dhacday?'. Qof walba waxaa dhaafaya nolosha dhabta ah. Uma maleynayo in haddii aad tagto sariirtaada geerida aad ka fekeri lahayd inaad waqti badan ku bixin lahayd Twitter-ka, amaba aad maqaallo ka akhrin lahayd baraha internet-ka."" Ms Cowling,oo ah agaasimaha shirkadda wax xayeysiisa ee fadhigeedu yahay London ee Hell Yeah!, ayaa intaas ku dartay in fekerka ay isaga deyneyso telefoonkeeda casriga ah uu dhashay intii ay socotay xayiraadda Covid. ""Waxaan is weydiiyay inta nolosheyda ka midka ah ee aan ku bixiyay telefoonka iyo waxaan uga faa'iideysan lahaa. Inaad ku xirnaato meelo badan waxay kaa weecineysaa waxyaabo badan, maskaxduna waxay ku tahay howl culus."" Waxay qorsheyneysaa inay waqtigaas u adeegsato wax akhrin iyo inay hurdo fiican hesho. Qiyaastii tobankii qof ee UK ku nool sagaal ka mid ah ayaa haatan wata telefoonka casriga ah, waana wax ka dhaca inta badan dunida kale. Annaguna iskama deyn karno - daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in celcelis ahaan uu qofkiiba 4.8 saacadood maalintii ku bixiyo telefoonka. Haddana dad yar, balse soo badanaya, ayaa isaga guuraya telefoonnadooda casriga ah. Alex Dunedin wuxuu telefoonkiisa casriga ah tuuray labo sano kahor. ""Dhaqan ahaan waxaanu la qabsannay qalabkaan,"" ayuu yiri ninkan oo ah baare dhanka waxbarashada ah iyo khabiir dhanka teknolojiyadda ah. ""Waxay waxyeeleynayaan garaadka waxayna wax u dhimayaan wax soo saarka."" Mr Dunedin, oo ku nool islamarkaana ka shaqeeya Scotland, ayaa sheegaya sabab kale oo ka danbeeysa go'aankiisa ay ahayd walaac ku aadan deegaanka. ""waxaan luminaynaa laba jibaar xadiga tamarta lasoo saarayo ayuu yiri. Waxaa uu noqday mid aad u fir fircoon tan iyo markii uu joojiyey isticmaalka telefoonka caaqilka ah. waxaa uu leeyahay Mr Dunedin ma heysto telefoonadii hore ama xitaa leen leenka guriga. Taa badelkeeda waxaa kaliya ee lagula xiriiri karo waa email ugu soo dhacaya computerkiisa guriga u yaala. ""Waxbadan ayay ka badashay noloshayda, "" ayuu yiri. ""fikirkayga waxaa ka xuroobay mashiinkii sida joogtada ah ay maskaxdaydu ugu xirnayd kaas oo u baahnaa in lagu quudiyo tamar iyo lacag. Waxay ila tahay in qatarta Technology yadda ay tahay in ay nolosheena ceyrteeynayaan. "" Lynne Voyce, waa 53 jir maclimad ah islamarkaana qoraa ah oo kasoo jeeda Birmingham, iyadu waxay u wareegtay dhinaca kale, oo waxay bilowday in ay isticmaasho telefoonka caaqilka ah August dii aan soo dhaafnay kadib lix sano oo aysan isticmaalin. Waxa ay sheegaysaa in ku qasbanaatay in ay mar kale soo iibsato sabab la xiriirta in QR code ka maqaaxiyaha ay ka isticmaasho si ay cunno u dalbato iyo ku heysato waxa loogu yeero baasaboorka Covid ka, waxaa intaa sii dheer in ay si joogta ah ay ula xiriiri karto gabadheeda oo ku nool Paris. Balse waxaa ay qorshaynaysaa in ay markale iska deyso, hadii ay awoodo, ""marka laga baxo cuduruka safmarka ah, iyo marka gabadhayda weyn ee Ella aysan ku nooleen dibbada, waan iska dhaafi karaa markale. Waxa ay u egtahay balwad miyeeysan ahayn? "" Markii Ms Voyce ay iska deeysay isticmaalka telefoonka caaqilka ah 2016kii waxaa ay gabadheeda ku dhiiro galinaysay in ay iska yareeyso waqtiga ay ku bixiso isticmaalkiisa. ""Indhaha kama aysan dhaaqi jirin telefoonadooda. Waxaan u fakaray in wadada kaliya ee looga celin karo ay tahay in aan telefoonkayga ka taqaluso. Waana ay sameysay isbedel. Tusaale ahaan, marka aan aadno maqaaxi ma arki doonaan anigoo telefoonkayga soo qaadanaya. "" In aanan isticmaalaynin telefoonka caaqilka ah, ""waxbadan ayay igu qaadatay in aan maskaxdayda ka saaro,"" waxay tiri, "" Maan dareemin in aan si degdeg ah uga jawaabo waxyaabaha ama la heli karo marka aan dibadda joogo"". Iyadoo ay sidaa tahay, Wali qaar ayaa ka walaacsan waqtiga ay ku bixiyaan isticmaalka telefoonkooda gacanta, malaayiin kalena waxa ay qabaan in alle usoo diray. Si aan waligeed horay loo arag waxaa ay taleefanka ka dhex heli karaan, adeegyada dadweynaya sida caafimaadka iyo wax barashada, badanaa ehelka iyo asxaabta waxa ay adeegsanayaan digital, taleefanka caaqilka ahna waa wax dadku u baahanyihiin ayuu yiri afhayeenka UK mobile network Vodafone. ""waxaan sidoo kale sameynay ilo dadka lagu caawinayo si ay badankood waxyaabaha oga helaan telefoonkooda, hadiiba ay badqabayaan marka ay online ka yihiin, taas ayaa ah muhiimadda ugu weyn. "" Si kastaba, Hilda Burke, oo ah dhaqtar dhanka cilmu-nafsiga ah iyo qoraaga maqaalka La qabsiga Telefoonka, ayaa sheegtay inuu jiro xiriir xooggan oo u dhaxeeya isticmaalka badan ee telefoonka iyo arrimaha xiriirka, tayada hurdada, awoodda aan u leennahay inaan iska deminno oo aan nasanno iyo heerkeenna inaan hal shey diiradda saarno. ""Dad badan ayaa waxaa codsiyo badan ay ugu yimaadaan telefoonka, qaarkoodna degdeg been abuur ah ayay wataan. ""Waxay dareemayaan inaysan awoodin inay xad u yeelaan, taas oo sababeysa in waxa ugu dambeeya ee habeenkii ama waxa ugu horreeya subixii ay sameeyaan ay noqoyo inay eegaan iimeyladooda iyo farriimahooda."" Haddii inaad ka takhalusto telefoonkaaga casriga ah ay kugu adag tahay balse aad weli ka walaacsan tahay inaad waqti badan ku bixiso, waxaa jira tallaabooyin kale oo aad ku yareyn karto. Inkastoo ay markii hore u muuqatay wax aan suurtogal ahayn, haddana app-yo badan ayaa soo baxaya kuwaas oo kaa hor istaagaya rogrogidda micno darrada ah ee telefoonka. Tusaale ahaan, app-ka Freedom wuxuu kuu sahlayaa inaad si ku meel gaar ah isaga xirto app-yada iyo baraha internet-ka si aad howlahaaga kale diiradda u saarto. Sidoo kale Off The Grid ayaa kuu suurto gelineysa inaad xirto telefoonkaaga muddo cayimad. Ms Burke ayaa sheegtay inay waxtar yeelan lahayd haddii ay dad badan la socon lahaayeen waqtiga ay ku bixiyaan telefoonkooda. ""Inaad bilowdo garashada waqtiga aad ku bixiso telefoonkaaga ayaa baraarug xoog leh kuu noqon karta isla markaana horseedi karta isbeddel."" Waxay sidoo kale ku talineysaa inaad waqtiyo gaaban telefoonkaaga demiso amaba aad guriga uga tagto, kaddibna aad tartiib tartiib u kordhiso muddada sugitaanka." https://www.bbc.com/somali/war-60134274 +religion "Junaid Hafeez: Nin lagu eedeeyay ""inuu nabiga u gefay"" oo dil lagu xukumay" "Bare jaamacadeed oo u dhashay Pakistan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah ka dib markii uu ""aflagaadeeyay"" diinta. Junaid Hafeez, oo 33 sano jir ah, waxaa la xiray bishii March 2013-kii, waxaana lagu eedeeyay in uu hadallo xushmad daro ah oo uu ka sameeyay Nabi Maxamed SCW uu ku fafiyay baraha bulshada. Eedaha ku saabsan aflagaadeynta diinta waxay halis weyn ka yihiin dalka Pakistan. Xitaa haddii aan lagu hubin qofka la eedeeyay wuxuu halis u galayaan in la dilo. Qareenkii u doodi lahaa Hafeez oo lagu magacaabay Rashid Rehman waxaa la dilay 2014-kii, ka dib markii uu aqbalay in kiiska ninkaas uu difaaco. Ninkan ayaa muddo sanado ah ku xirnaa qol keligii u gaar ah ka dib markii uu weerarro kala kulmay maxabiistii kale ee uu la xirnaa. Xukunka waxaa riday maxkamad ku taalla Xabsiga Dhexe ee Multan, halkaas oo ah meesha Hafeez lagu hayay. Hafeez wuxuu deeq waxbarasho oo buuxda uu ka helay Mareykanka halkaas oo uu ku soo bartay Suugaanta Mareykanka, sawir qaadidda iyo jilliinka. Ka dib markii uu ku noqday Pakistan, wuxuu bare ka noqday jaamacadda Bahauddin Zakariya (BZU) ee Multan. Halkaas ayuuna ku sugnaa illaa eeda loo jeediyay lana xiray. Golaha qareennada ee hadda u doodaya Junaid Hafeez waxay sheegeen in xukunka uu yahay ""mid nasiib darro ah"", waxayna wakaaladda wararka ee AFP u sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan. Qareennada u doodayay waaxda dacwad oogidda ayaa dhankooda loo qeybiyay mac-macaan ka dib markii xukunka uu dhacay iyagoo ku dhawaaqayay ""Allahu akbar"" iyo ""Ha dhinteen kuwa diinta caaya"". Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxay sheegtay in xukunka uu ""ugub ku yahay cadaaladda"" waxayna ku tilmaamtay ""niyad jab wayn iyo wax la yaab leh"". Shuruucda la xiriirta qofka diinta caaya ee Pakistan waxaa la socdo xukun adag, sida dil, waxayna qabanayaan qof kasta oo diinta islaamka wax ka sheega. Shuruucdan waxaa markii hore dejiyay Britishkii maamulayay Hindiya, sannadkii 1860-kii, waxaana la sii ballaariyay 1927-dii. Pakistan waxay sharciga dhaxashay markii ay aasaasantay oo ay ka go'day Hindiya, sannadkii 1947-dii. Shuruucdii hore waxay ahaayeen kuwo la xiriiray qofkii carqaladeeya isu imaatinnada diineed, ku xadgudbidda meel uu aas ka socdo, aflagaadeynta diimaha, ama in si ula kac ah loo burburiyo ama u loo ceebeeyo dad cibaadeysanaya. Xilligaas, sharciga wuxuu dhigayay, in qofkii lagu helo dembigaas uu muteysanayo hal illaa 10 sano oo xabsi ah. Muddadii u dhexeysay 1980-kii illaa 1986-dii, xeerar cusub waxaa ku daray dowladdii militariga ee uu hoggaaminayay Janaraal Zia-ul Xaq. Janaraal Xaq wuxuu la xiriiriyay diinta islaamka, wuxuuna si sharci ah uga saaray bulshada Axmadiyada, kuwaas oo sannadkii 1973-dii lagu tilmaamay in aysan muslim ahayn. Wuxuuna isaga ka saaray Axmadiyada, guddiga ugu sarreeya ee Muslimiinta ee dalkaas. Xeerarkaas cusub ee uu ku daray waxay sharci darro ka dhigeen xushmad darrada ka dhanka ah Islaamka, waxaana la soo saaray xukun xabsi daa'in ah oo lagu xukumo ""qofkii si ula kac ah"" u wasaqeeya kitaabka Quraanka. Xoogaa ka dibna, waxaa lagu daray in dil toogasho lagu xukumo ama xabsi daa'in la geliyo qofkii ""aflagaadeeya"" Nabi Muxamed CSW. Illaa 40 qof ayaa hadda u xiran oo sugaya in lagu fuliyo dil ka dib markii lagu helay ""in diinta ay wax ka sheegeen"" - In kastoo illa iyo hadda aan la fulin midna. Sharcigas wuxuu in muddo ah ahaa doodda beesha caalamka ka dib markii Asia Bibi, haweeney masiixi ah oo u dhalatay Pakistan, ay siddeed sano u xirnayd arrintaas oo ay sugeysay dil toogasho. Xabsiga waxaa laga sii daayay sannadkii tagay, ka dib go'aan maxkamadeed oo wax ka badalay xukunkii lagu riday. Siideynteeda waxaa ka dhashay rabshado badan, waxayna ku qasbanaatay in gabaad ay ka raadsato dal kale." https://www.bbc.com/somali/war-50883653 +technology Qalabka casriga ah ee sanadkan suuqyada soo galaya "Waxaa laga yaabaa in aad marhoreba aragtay, maqashay ama isticmaashay qalab casri ah , gaar ahaan kuwa ku shaqeeya garaadka macmalka oo qabta shaqooyin aad u sareeya, balse sanad kasta waxaa soo kordha kuwa aysan maskaxdaadu waligeed ka fikirin sida laga yaabo. Sanadkan 2022-ka waxaa warshadaha ku jira qalab kala duwan oo suuqa la keeni doono mar aan dheereyn, waxaanan kasoo xulanay kuwani soo socda. Qalabkan waxaa lagu soo bandhigay carwadda sanadlaha ah ee CES oo ka qabsoomaysa magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka, waxaana qalab kala duwan kusoo bandhigaya shirkadaha Meta, Google iyo xitaa Amazon. Aaway Hagaha Taleefishinka (remote)? Waligeedba markasta oo carwadan la qabanayay waxaa safka xagga hore iman jirey taleefishinka, iyada oo shirkadaha ay sanadba kan ka dambeeya soo bandhigi jireen shaashad ka weyn tii hore, hase yeeshee sanadkan waxa uu dareenka u weecday dhanka qalabka yaryar ee kaabayaasha ah (accessories). Qalabkan gacanta lagu qabto ee taleefishinka lagu hayo ayaa xiiso gaar ah lahaa sanadkan , iyada oo shirkadda Sansung ay soo saartay nooc qalabkan ah oo ku shaqeeya tamarta cadceedda. Qalabka ay isticmaalaan dadka nefta qaba oo ""sababa isbeddelka cimilada"" Sidee ku ogaan kartaa in telefoonkaaga la jabsaday? Ninkii billaabay qalabka MRI oo geeriyooday Sidaasi awgeed looma baahan doono in bateriga AAA la geliyo hagaha, wuxuuna noqonayaa mid la shaqeeya aaladda internet-ka keenta, isaga oo keligiis is kaarikayn kara xitaa marka aysan cadceedda jirin. Waa gaari cusub oo kolba uu midabkiisu isu badelayo hadba sida aad doonaysid, wuxuuna soo jiitay dareenka dad badan oo carwadan kasoo qeybgalay. Haddii aad ku caajistay midabka gaariga, waxaa la heley qaab cusub oo aad durba ku badeli kartid adiga oon dhibtoon, waxaana gaarigan soo saartay shirkadda BMW. Mashruucan ayaa hadda intiisa badan maraya heerkii biloowga, balse waa mid loo riyaaqay. Waxaa la sheegay in arrintani ay sidoo kale dhimi karto xadka tamarka ee loo baahanyahay marka kuleelka ama qaboowga aad ka dhex shideysid gaariga. Balse dadka qaar ayaa durba farta ku fiiqay in midabada la heli karo ay yihiin caddaan, madoow iyo hurdi , halka midabadii kale aanan lagu darin naqshadda. Waxyaabaha lasoo bandhigay waxaa ka mid ah robotyo leh iskafaalooyin iyo qaanado, Shirkadda The Servi ayaa soo bandhigtay robot buuxin kara kaalintii adeegayaasha maqaayadaha. Sida uu sheegay agaasime Mike Dooley, robotyadan ayaa dadka anfici kara marka ay waayeelka noqdaan ama xanuunsadaan, waxay ka caawin karaan xagga adeega guryaha. Waxa uu xamaali karaa illaa 11 kg oo alaab ah, isaga oo ku qaadaya labo qaanadood oo isfidin kara. Waxaa lasoo bandhigay qalab ku shaqeeya awood danabeed oo xoog badan oo ilkaha oo dhan caddaan kaga dhigaya muddo kooban. Suuqa quruxda adduunka ayaa muddo raadinayay qalab lagu horumariyo bilicda dadka, carwadana waxa ay noqotay meel saldhig u ah wax soosaarka tijnoolajiyadda ee sare u qaadaysa hawlaha dadka ay qabtaan, gaar ahaan is qurxinta. Waxaa lasoo bandhigay muraayad ay soo saartay shirkadda Icon.AI, taas o oleh sameecado muusig ka baxayo, islamarkaasna aad ku ogaan kartid cimilada maalinkaasi taagan. Sidoo kale waxa aad ku xiri kartaan gambaleelka saacadda aad rabto in aad toosto ama meel aaddo. Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay barfuum kuu xulaya carafta aad u baahantahay oo kuu gaar ah, waxaana soo bandhigtay shirkadda Ninu, waxaadna la xiriirin kartaa taleefoonka caaqilka ah. Wax ka badan carab oo kala duwan ayuu barfuumkani leeyahay, iyada oo ay ku xirantahay hadba jawiga jira iyo munaasabadda." https://www.bbc.com/somali/war-59922878 +sports Da’yar reer Liverpool ah oo ‘lacag lagu siiyay inay dhalinyaro kale tooriyeeyaan’ "Hogaamiyayaasha kooxo burcad ah ayaa dhalinyaro ku nool magaalada Liverpool waxa ay usoo bandhigeen £1,000 si ay u tooriyeeyaan dhalinyaro kale, BBC-da ayaa ogaatay. Abaalmarinta ayaa waxaa bixiya ""odayaasha"" kuwaas aan doonayn inay weerrarada fuliyaan, dhalinyaro ayaa sidaasi BBC-da u sheegtay. Eedahaasi ayaa waxaa lala xiriiriyay ugu yaraan hal dhacdo oo qof lagu tooriyeeyay. Booliska magaalada Liverpool ayaa sheegay inay ka war hayaan inay jiraan kooxo abaabulan oo ku dhaqaaqa dambiyo kuwaas oo qulqulato kiciya si looga heshiiyo murannada dhaca. Bayaan uu booliska soo saaray ayaanay si toos ah uga hadlin sheegashada dhalinyarada. Hasayeeshee bayaanku waxaa lagu sheegay in kooxahan burcadka ah lagu yaqaan inay tacaddiyo u gaystaan ""dhalinyarada iyo dadka jilicsan si ay u iibiyaan maandooriyayaal iyo weliba inay u adeegsadaan kicinta qulqulatooyin"". Dhalinyarada oo aanan doonayn in haybtooda la shaaciyo cabsi ay ka qabaan in laga aargoosto, ayaa sheegay: ""Carruur yaryar ayaa lacag la siinayaa sidaana waxa ay halis ku galinayaan naftooda."" Wiil ayaa BBC-da u sheegay in saaxiibkii ay nafta u dhaxayso lagu bartilmaameedsaday abaalmarin £1,000 ah. Waxa uu sheegay in koox ay weerrareen dhibanaha kaas oo markii dambe isbitaalka lagu dabiibay. Markaas kaddibna laba wiil ayaa waxa ay kala qeybsadeen abaalmarintii. Waxa uu sheegay in dadku ay toos u daawadaan - dagaal la soo abaabulay oo muran lagu xallinayo - halkaas oo dadka ""lagu tooriyeeyo"". Waxa uu intaasi ku daray saraakiil sarsare oo kooxaha burcadka ah ayaa yiri: ""Waxaan halkan ku haynaa £500 oo la siinayo cidda doonaysa inay wax sameyso."" ""Dadkaas waa ay sameynayaan waxa loo diray sababtoo ah waxa ay moodayaan, haddii aan sidaas sameeyo, haddaba waxaan helayaa lacago badan sidoo kalana aad ayey ii qadarinayaan odayaasha."" Sanadkii la soo dhaafay booliska Liverpool ayaa waxa ay wajaheen weerraradii ugu badnaa ee toori lagu gaysto kuwaas oo aad sare ugu kacay gaarayna 35%, sida lagu sheegay shax rasmi ah oo soo baxday. Ciidammada ayaa diiwaangeliyay 1,231 fal dambi oo 2018 lagu gaystay mindi. Alan Walsh, oo ka shaqeeya arrimaha dhalinyarada sidoo kalana horkacayaa olole ballaaran oo loogu magac daray Ragga Dhabta ah Mindiyo ma Qaataan, ayaa waxa uu sheegay inuu ""weli ka walwalsan yahay"" eedaha ah inay jiraan lacago abaalmarin ah. Kooxaha kale ee burcadka ah ee ku sugan Liverpool ayaa waxa ay dhawaan u xaqiijiyeen Walsh inay jiraan kiisas noocaas oo kale ah. ""Oo waxay gaartay heerka ah in dib loogu laabto dagaalo,"" ayuu yiri. ""Meesha lagu dirirayaa waa waddooyinka haddana ma waxaa halkaas diyaar ku ah abaalmarinno?"" James Riley oo hore u ahaan jiray sarkaal kormeera dad horay dambiyo u soo galay oo la dhaqancelinayo, oo waxa uu Liverpool ka soo shaqeeyay 18 sanadood waxa uuna carruurta baraa halista in lagu xirmo kooxaha burcadka ah, waxa uu sheegay arrinta abaalmarinta waxaa weligeed lagu xiriirin jiray dambiyada hubka lagu gaysto ee ka dhaca magaalada. Hasayeeshee isbadel ayaa dhawaanahan arrintaasi ku yimid oo qof ayaa isticmaalaya oo mindi dad ku weerraraya, ayuu ku daray. Mid ka mid ah sababaha ugu waa weyn ee abaalmarinta loo bixiyo ayaa ah in madaxda kooxaha burcadka ah ay doonayaan inaanan la ciqaabin, Mr Riley ayaa sidaasi sheegay. ""Odayaasha ayaa doonaya inay iska fogeeyaan waxyaabaha dhacaya sababtoo ah ma doonayaan in la xiro. ""Ma doonayaan inay faraha la galaan waxyaabo xunxun - oo waxa ay og yihiin inay joogaan da'yar wixii la rabo sameyn kara."" Todobaadkii la soo dhaafay shaxda ayaa muujiyay in sanadkii la soo dhaafay in 22,041 mindi ama hub lagu diiwaangeliyay England iyo Wales - taas oo ah middii ugu sarreysay tan iyo 2010. Mid ka mid ah shantii qof ee la soo eedeeyay ayaa waxa ay da'doodu u dhaxaysay 10 ilaa 17 sanadood, sida laga soo xigtay Wasaaradda Cadaaladda." https://www.bbc.com/somali/war-48670758 +politics Muuqaallo cusub oo muujinaya tacaddiyada booliska Mareykanka oo la shaaciyay Muuqaallo dhowr ah oo muujinaya gaboodfallada booliiska dalka Mareykanka ay u geysanayaan shacabka dalkaasi ayaa soo shaac baxay intii ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dilka George Floyd oo ah Mareykan asalkiisa yahay Afrikaan. Magaalada Buffalo, laba askari oo boolis ah ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii uu soo baxay muuqaal muujinaya iyaga oo dhulka ku tuuraya nin oday cadaan ah. Muuqaalkan ayaa muujinaya nin 75 jir ah oo u yimid askar ka tirsan booliska oo dhaqan gelinaya bandow lagu soo rogay magaaladaasi. Askartaasi booliska ah ayaa la arkayay iyaga oo dhulka ku tuuraya odeygaasi isla markaana madaxa ka garaacaya ilaa iyo inta uu dhiig dhagaha ka keenay. Balse warbixin qoraal ah oo uu soo saraay booliska gobolkaasi ayaa lagu sheegay in odeygaasi uu kufay xilli ay rabshado dhex marayeen booliska iyo dad dibad-baxyo dhigayay, hadalkaasi oo ay ka dhalatay caro hor leh. Dhanka kale, booliska magaalada Indianapolis ayaa baaraya ficillada askar ka tirsan booliska oo muuqaal laga dhex arkay iyaga oo garaacaya isla markaana rasaas dheemisha ah oo basbaas ka sameysan ku ridaya haweeney madow ah. Warbixintan ayaa soo baxday saacado uun ka dib markii munaasabad duco ah loogu sameeyay Floyd magaalada Minneapolis oo ahayd halkii boolisku ay ku dileen. Dilkaasi Floyd oo muuqaal laga soo duubay la baahiyay ayaa dhaliyay caro, wuxuuna sidoo kale kiciyay mowjado mudaaharaadyo ah oo looga soo horjeedo midab-takoorka iyo sida xun ee booliiska Mareykanka ay ula dhaqmaan dadka Afrikaanka ah ee ku nool dalkaasi iyo guud ahaan caalamka oo dhan. Bannaan-baxyadani oo socday siddeeddii maalmood ee la soo dhaafay ayaa badankood waxay ahaayeen kuwa nabadoon balse mararka qaar waxaa dhacayay rabshado, iyadoo bandow lagu soo rogay magaalooyin dhawr ah. Muddaharaad ka dhacay magaalada Washington DC ayaa ciidamada ammaanka waxay qiiqa dadka ka ilmeysiiyo ku kala eryeen dad dibadbax ka dhigayay bannaanka hore ee Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo, si madaxweyne Trump uu isugu soo sawiro kaniisad halkaa u dhow. Kooxda xuquuqda madaniga ah ee sida ururka xoriyadda madaniga ee Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo ACLU oo dhacdadaasi ka falcelinaya ayaa dacwad ka gudbiyey madaxweyne Trump, xeer ilaaliyaha guud ee dalka iyo mas'uuliyiin kale oo ay ku eedeeyeen in ay ku xad-gudbeen xuquuqda dastuuriga ah ee dadkaasi dibad-baxayada dhigaya. Dhanka kale, booliska Arizona ayaa shaaciyay macluumaad muujinaya dilka nin kale oo madow ah oo 25-ka bishii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Phoenix. Muuqaalladani cusub ayaa ku soo beegmayo xilli dibadbaxyo xooggan ay gilgileen magaalooyin badan oo ka tirsan dalkaasi Mareykanka. Khamiistii dhawayd ayaa la shaaciyay in dacwado cusub lagu soo oogayo dhammaan askartii booliiska ahayd ee shaqada laga ceyriyay ee ku lug lahaa dilkii ninka madow ee magaalada Minneapolis. Dacwadda ka dhanka ah Derek Chauvin ayaa sare loo qaaday waxaana la gaarsiiyay dil darajada labaad ah, sida ay muujinayaan dukumiintiyada maxkamadda. Saddexda sarkaal ee kale, oo aan horey wax dacwad ah loogu soo oogin, ayaa hadda wajahay dacwado ku saabsan kaalmaynta dilka. Dhimashadii Floyd waxay dhalisay mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhacaya Mareykanka oo looga soo horjeedo cunsuriyadda iyo dilka booliisku u gaysanayaan dadka Madow ee Mareykanka ku nool. https://www.bbc.com/somali/war-52945353 +sports "Ciyaaraha Olimbikada: ""Kuma dhacdid inaad i tiraahdo hadda dumar ma tihid""" "Beatrice Masilingi oo u dhalatay dalka Namibia ayaa isu diyaarinaysa waqtigeedii ugu muhiimsanaa ee soo mara xirfadeeda iyada oo ka soo kabanaysa niyad-jabkeedii ugu waynaa. Gabadhan oo 18 jir ah ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay ka qayb gasho tartanka 200m ee haweenka ee Olombikada Tokyo 2020 maalinta Isniinta ah. Laakiin orodka 200m ayaa iyada u ah khiyaarka labaad waxayna isu diyaarinaysay inay ka qeyb gasho tartanka 400m ee dumarka. Waxay u tartameysaa bilad dahab ah ka dib markii ay soo gashay kaalinta saddexaad ee ugu dhaqsaha badnayd sanadkan iyada oo ku oroday 49.53 ilbidhiqsi. Farxadeedii hore ee isreebreebka Olombikada ayaa burburtay ka dib markii ay ku wargeliyeen guddiga olambikada inaysan awoodi doonin inay ka qeyb gasho tartanka 400m ee Ciyaaraha sababo la xiriira heerarka sare ee hoormoonkeeda testosterone oo mid ah caadi ahana ku badan ragga. ""Bilowgii aad ayaan u niyad jabsanaa, imika intaad ii timaado ima dhihi kartid haweeney ma tihid, runtii taasi waa niyad jab waxayna igu abuurtaa walaac laakiin ma jirto wax aan hadda ka qaban karno,"" ayay u sheegtay BBC. ""Waxay ahayd wax aad looga xumaado, sidoo kale aad bay ii xumaysay, waxaan sugayay horyaalkaygii ugu horreeyay ee Diamond League markii aan arkay warka"". ""Runtii waa caddaalad darro maxaa yeelay ma filan kartid in qof walba isku mid noqdo, qof walba inuu yeesho karti isku mid ah, waxaan ku dhalannay kartiyo kala duwana, isku mid ma noqon karno macno ma sameyneyso."" Masilingi waxay guddiga olambikada ku wargeliyeen bishii July in heerarkeeda hoormoonka loo yaqaano testosterone ay dhaaftay xadka loo oggol yahay ciyaartooyda dumarka ah ee doonaya inay ku ordaan masaafo dhan 400m illaa hal mayl, haddii aysan iyada oo daawo la adeegsanayo hoos u dhigin hoormoonkeeda muddo ugu yaraan lix bilood ah. In kasta oo ay niyad jabtay, haddana gabadhan dhalinyarada ah waxaa ka go'anayd inay ka faa'iidaysato waqtigeeda Olombikada. ""Aad ayaan u faraxsanahay, waxay ahayd mid ka mid ah himilooyinkeygii ugu weynaa laakiin runtii uma malaynaynin inaan gaari doono da'daan,"" ayuu Masilingi u sheegtay BBC. Si ay riyadeeda usii noolaato Olombikada Masilingi iyo tababaraheeda Christine Mboma, waxaa saameeyay xeerarkan, waxay go'aansadeen inay beddelaan tababarkooda oo ay isku diyaariyaan 200m dhowr toddobaad ka hor Ciyaaraha. Masilingi ayaa diiday inay dhigato bartilmaameedka Olombikada laakiin waxay sheegtay inay mar kale ku faraxsan tahay inay tartan gasho inkasta oo niyad jabkii hore la kulantay. ""Weli waxaan haystaa fursad kale, weli waxaan haystaa 200m oo aan weli ku tartami karo sidaa darteed ma aha in aan is niyad,weli waxaan dareemayaa farxadda aan uga qeyb galayo 400m, ""ayay tiri. Waxaan isku dayayaa inaanan aad ugu badnaan baraha bulshada maxaa yeelay waxaan hubaa inay" https://www.bbc.com/somali/war-58045436 +religion Ninka Muslimka ee waayeelka ah ee 20-ka sano xabsiga ugu jiray dil uusan geysan "Ninkan oo si khaldan loogu eedeeyay dilkii loo gaystay halgamaagii caanka ahaa ee Maraykanka Malcolm X ayaa dacwad soo oogay, waxaana uu dalbanayaa 40 milyan oo dollar oo magdhaw ah oo uu ku badalanayo xabsigii uu sida khaldan ugu jiray. Maxammad Caziz ayaa 20 sano oo noloshiisa ka mid ah ku qaatay xabsiga isagoo lagu ciqaabay dambi uu galay qof kale. Maxkamadda ayaa shuruud ku sii daysay sannadkii 1985-kii, balse waxa uu hore ugu xirnaa si khalad ah. Cabdul Casiis oo 84 jir ah ayaa ka codsaday maamulka New York in ay magdhow ka bixiyaan xabsiga 20-ka sano ah ee lagu xukumay, taas oo uu sheegay in laga xayuubiyay xuquuqdiisa. Maxammad oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda Maraykanka, waxa loo xiray sannadkii 1965 tii dilkii Malcolm X. Hadda waxa uu leeyahay lix carruur ah. Dilka ayaa ka dhacay magaalada Audubon ee magaalada New York, halkaasoo saddex nin oo hubeysan ay ku toogteen Malcolm xilli uu hadlayay. Markaas ayaa Casiis iyo Khaliil Islaam la xiray. Islam waxa uu dhintay 2009. Waxa uu xidhnaa 22 sano ka dibna waa la sii daayay. Casiis iyo Islaam waxay xubno ka ahaayeen ururka (Umma al-Islam), oo Malcolm X ka baxay sannadkii 1964. Inkastoo aan caddayn sax la soo saarin, Casiis iyo Islam ayaa loo xiray kiiska dilka Malcolm. Qof saddexaad ayaa ka marag kacay ku lug lahaanshahooda weerarkii Malcolm X wuxuuna keenay cadeyn ka dhan ah Casiis iyo Islaam. Talmadge Hare oo ahaa nin gacan ku lahaa kiiska dilka ayaa la xiray, balse waxa uu maxkamada ka sheegay in Aziz iyo Islam aysan wax lug ah ku laheyn dilka ninkan Muslimka ah ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqda. Dabayaaqadii 1970-meeyadii, Hare wuxuu si rasmi ah u sheegay in afar qof ay gacan ka geysteen dilka Malcolm. 2020, Casiis iyo Islam, qareenkooda David Shines, wuxuu yiri: ""Maxamed Caziiz iyo Islam Khalil waxaa lagu soo oogay oo ay tobanaan sano xabsiga ugu jireen sababo la xiriira habdhaqanka aan habooneyn ee maxkamada waxaana la diiday xuquuqdooda dastuuriga ah."" . Shanes waxa uu intaa ku daray: ""Dib u dhigista muddada dheer waxay la macno tahay cadaalada oo la waayo, Mr. Casiis waxa uu noqday 84 sano jir, laakiin Mr. Islam nasiib daro wuu dhintay.” Sannadkii hore, gabdha uu dhalay Malcolm waxay codsadeen in baaritaan cusub lagu sameeyo kiiska dilka iyadoo lagu salaynayo xog cusub. Codsigan ayaa ka dhashay in la helo fariin qoran oo ka tagay askariga la yirahdo Raymond Wood, kaas oo sameeyay qoraalka isagoo ku jira sariirtii uu ku dhintay sannadkii 1965-tii. Raymond Wood ayaa waxa uu ku jiray shaqada markii uu dilku dhacayay. Qoyska Mr. Wood ayaa sheegay in warqadani ay soo jeedinayso in booliska New York iyo FBI-da ay isku dayeen kiiskan oo ay qariyeen faahfaahinta dembiga. Waxa uu sheegay in loo xilsaaray in ilaalada Malcolm X uu soo dhigo albaabka Saloonka uu dilku ka dhacay. Iyadoo lagu salaynayo hadalka qoyska, Wood wuxuu rabay in warqadda la daabaco geeridiisa ka dib, si aanay uga aargoosan mas'uuliyiinta nool. Malcolm X markii la dilay waxaa loo arkayay inuu ka mid ahaa Hogaamiyayaasha Dhaqdhaqaaqa Umadda Muslimka, balse markii dambe wuu ka baxay Xarakada wuxuuna ka gaabsaday inuu si adag uga hadlo go’doominta ay ku hayaan dadka Madow. Laakiin wuxuu weli ahaa nin si firfircoon ugu ololeeya midnimada dad madow iyo isku-kalsoonaantooda." https://www.bbc.com/somali/articles/c0knkkj2dgdo +politics Hindiya: Aabbe qabiil dartii gabadhiisa u dilay oo xukun maxkamadeed sugaya """Marwalba waxaan u sheegi jiray inaan qabiil ahaan kala duwannahay. Aanna dooneyn inaan kulanno. Laakiin had iyo jeer waxay ii sheegi jrtay iney i guursan doonto marka ay da'deeda 18 jir gaarto."" Manjunath oo ka soo jeeda Periyapatna oo ka tirsan degmada Karnataka ayaa ka sheekeynaya sid ay wax u dhaceen. Manjunath wuxuu ka soo jeedaa qabiilka la yirahdo Jadwalsan halka gabadha uu jecel yahay ay ka soo jeeddo qabiilka Savarna Vokkalinga. Si kastaba ha u dhacdee gabadhi uu jeclaa haatan ifka kuma noola oo waxaa habeennimadi Isninta dilay aabbaheed. Aabbaha marka uu gabadhiisa dilay kaddib isaga ayaa isgeeyey saldhigga booliska isla-markaana qirtay inuu falkaasi geystay. Lixdii bilood ee u dambeeyay waxa ay boolisku ku hawlanaayeen sidii ay meesha uga saari lahaayeen arrimaha jacaylka iyo muranka labada qabiil u dhaxeeya. Hase yeeshee, aabaha gabadha dhalay oo 50 jir ah ayaa dilay gabadhiisa. Naxdin ayey ku noqotay booliski ku howlanaa xal u helidda khilafka labada dhinac. Hadal haynta labadan qof ee uu jeceylka dhexmaray oo ka soo kala jeedo qabiillo aan isguursan waxay timid marki uu aabbaha gabadha dhalay uu booliska soo gaarsiisyey dacwad arrinta ku saabsan. Aabbaha gabadha dhalayna wuxuu ku doodayaa gabadhiisa in kulliyadda ay dhiganeysay nin ay jeceyl wadaageen uu ku kufsaday. Manjunath waxa uu yiri, ""Waxay sheegtay in lagu cadaadiyay in ay dacwad soo gudbiso. Aabaheed waxa uu ugu hanjabay in uu dili doono haddii aysan u dacwoon booliiska, booliisku waa ay i garaaceen ka dibna way i sii daayeen."" Manjunath oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, ""kadib markii aabahay booliska iisu dhiibay, waxaa ii yimid laba nin oo booliis ah si ay iila hadlaan, waxa uu igula taliyay in aanan dibadda u bixin oo aan is qariyo si aan badbaado u helo."" Munjunath oo ay da'diisu tahay 24 jir waa wiil dhalinyara beeraley ah. Xiriirka jeceyl uu gabadhan u qaadayna wuxuu soo billaawday 6 bilood ka hor. ""In badan ayaan taleefan ku wada hadalnay kuna sheekeysannay mararka qaar iyada oo afkeeda qabta oo aan wax cunin ayey ii iman jirtay kaddibna huteel ayaan geyn jiray oo aan cunto ka soo siin jiray, kaddibna moota ayaan ku geyn jiray kulliyadda ay dhigato"" ayuu yiri. Manjunath Melhalli iyo Taruni waxay labadooduba ka soo jeedaan tuulada Kagundi. Tuulada ay deggan yihiinna waxaa si weyn looga beertaa tubaakada ama buuriga. Hase yeeshee waxaa wada dagaa qabiillo nabad ku wada nool balse dhaqan ahaan aan isguursan oo haybsooc uu ka dhaxeeyo. Aabbaha gabadha dhalay dacwaddi hore uu Manjunath ka gudbiyey kaddib wuxuu markale ka soo gudbiyey laba dacwadood oo kale. Halka ay gabadhana dacwadda seddexaad gudbisay iyada oo aabbaheed uu ku qasbayo. ""Waxaa dharbaaxay aabbaheed, aniga iyo saaxibkeey oo ka agdhaweyn meesha uu aabbaha gabadhiisa ku dharbaaxayey waxba maanan ka qabana karin oo waan isaga tagnay waxaan gudaha u galnay kulliyadda,"" ayuu yiri Manjunath. Dhalinyara badan oo la socotay sheekada jaceyl ee labada dhalinyarada ah u dhaxeeysa ayaa is uruursaday waxay u tageen booliska si ay ugu sheegaan dacwadda laga soo gudbiyey Manjunath iney been abuur tahay. Balse ""booliska wuxuu la hadlay gabadha oo keli ah annaga kale wuxuu nagu yiri kabaxa saldhigga."" ayuu yiri. ""Hooyadeed waxay ii sheegtay iney gabadha daryeel fiican siineyso marka ay qaan gaartana uu guursan doono oo garab ay ku siin doonto,"" Muddo bil ahna gabadha jaceylka ay wiil u qaadday darteed cadaadis kala kulmeyso qoyskeeda waxaa la siinayey adeeg la talin si looga sii hortgo cadaadiskaasi saameynta uu maskaxdeeda iyo noolasheeda mustqabalkaba ku yeelan karo. ""Waaliddiinteeda dhibaato maskaxeed iyo mid jireedba wey u geysteen maadaamaa ay la socoto wiil ay jeclaatay awgeed,"" ayey tiri Kamla H oo madax ka ah waaaxda la talinta ee Kulliyadda. ""Gabadha aabbaheed bishii Decemcer ul ayuu igu garaacay, oo dadka ayaa iga badbaadiyey. Hase yeeshee saxibbadey talada ay i siiyeen anoo raacaya wax dacwad ah kuma soo oogin oo waan iska daayey. Gabadha aan jecelahyna aabbaheed habeen iyo maalin wuu garaaci jiray oo jirkeeda nabarra badan ayaa ku yaallay,"" ayuu yiri Manjunath. Booliska in mudda ah waxay wadeen baaritaan kiiskan la xiriiro. Gabadhana mar walba waxaa la siinayey la talin maadaamaa ay marweliba dhibaato ay kala kulmi jirtay waaliddiinteeda gaaar ahaan aabbaheed. Hase yeeshee, boolisku inta ay baaritaanka wadeen ma sheegin waaliddiinta gabadha iney oggolaadeen guurka Manjunath iyo inkale. Gabadhuna waxay aaminsaneyd iney mar un qancin doonto aabbaheed balse ma dhicin. Rajadi ay Taluka ka lahayd iney calmato wiilki ay jecleyd iyo noolasheediba waxaa soo afjaray aabbaheed oo gabadhiisi gacantiisa ku dilay neceyb qabiil dartii. Aabbaha gabadhiisa dilay oo ay dacwad ku socota waxaa la filayaa in maxkamada la horgeeyo, isla-markana uu muteyso xabsi daa'im maadaamaa uu qof dilay. Dalka Hindiya wuxuu ka mid yahay dalalka sida weyn ay uga jiraan midab takoorka dhanka qabiilka iyo qabillada aan isguursan." https://www.bbc.com/somali/war-61769024 +sports Euro 2020: Maxaa lagu heystaa ciyaartoyda Turkiga ee isree-reebka qaramada Yurub? "Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Yurub ee magaciisa loo soo gaabiyo Uefa ayaa baaritaan ku sameyn doona salaan milatari oo ay bixiyeen ciyaartoyda xylka qaranka Turkiga, ka dib markii xiddiga u ciyaara kooxda Everton, Cenk Tosun, uu dhaliyay goolkii guusha ee ciyaartii ay la yeesheen xulka Albania. Turkiga ayaa Jimcadii 1-0 uga adkaafay Albania, xilli uu socdo dagaalka Waqooyiga Suuriga ku dhexmaraya ciidamada Turkiga iyo xoogagga Kurdiyiinta. Tosun ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawirka salaanta milatariga, wuxuuna ku soo qoray: ""Waxaan ugu talagalnay qarankeenna, gaar ahaan kuwa naftooda halista u galiyay qarankeenna dartiis"". Xiriirka Kubadda Cagta ee Yurub ayaan oggoleyn in ciyaarahooda lagu lifaaqo arrimo siyaasadeed. Guusha ugu dambeysay ayaa Turkiga u suurtagalisay inay booska ugu sarreeya uga jiraan xulalka la isku aaddiyay ee u loollamaya ka qeyb galka ciyaaraha Euro 2020. Maalintii Arbacada ayey howlgal milatari oo aad u weyn, kaasoo ay ka wadaan deegaannada Waqooyiga Suuriya ee ay gacanta ku hayaan xoogagga ay Kurdiyiinta hoggaamiyaan ee Suuriga, oo magacooda loosoo gaabiyo (SDF). Tobannaan qof oo rayid ah iyo ciidamo labada dhinac kasoo kala jeeda ayaa lagu dilay dagaalkaas, oo wali socda. Xiriirka Kubadda Cagta ee Turkiga ayaa iyaguna Instagram-ka soo dhigay sawirka ciyaartoyda Turkiga iyo tababareyaal salaan milatari saaraya oo ku jira qolka labiska, waxayna soo raaciyeen farriin ay ku leeyihiin: ""Meesha aan ku soconno waa horyaalnimada! Toddobo ciyaarood ka dib waxaan hoggaamineynaa horinta H ee ku loollameysa isree-reebka tartanka qaramada qaaradda Yurubub. Guushan waxaan siineynaa ciidamadeenna geesiyaasha ah"". Afhayeen u hadlay xiriirka Uefa oo lagu magacaabo Philip Townsend ayaa wakaaladda wararka Talyaaniga ee Ansa u sheegay in Salaanta ciyaartoyda Turkiga ""ay u muuqan karto arrin laga caroodo"". ""Waxaan damaanad qaad u bixin karaa inaan baaritaan ku sameyn doonno"", ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Howlgalka Milatari ee uu Turkiga ka wado Suuriga ayaa hadda hareynaya ciyaarta ka tirsan isree-reebka Euro 2020 ee ay France iyo Turkey isniinta ku yeelan doonaan magaalada Paris. Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa markii hore qorsheynayay inuu tago garoobka ay ciyaartaas ka dhaceyso, balse wuxuu hadda ku dhawaaqay inuu baajiyay ka qeybgalistiisa. Sidoo kale xildhibaan ka tirsan xisbiga midigta dhexe ee UDI, oo lagu magacaabo Jean-Christophe Lagarde, ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku yiri: ""Siduu qof ku oggolaan karaa in ciyaar ka tirsan tartamada kubadda cagta loo adeegsado ol'ole siyaasadeed oo lagu taageerayo waddan faragalin milatari ku sameeyay waddan kale oo xulafadeenna ah?"" Guddiga anshaxa ee Uefa ayaa mamnuuc ka dhigay ""in wax walba oo caro abuuri kara loo adeegsado ciyaaraha iyo munaasabadaha kale ee la xiriira, gaar ahaan arrimaha siyaasadeed ee muranka dhaliya, fikrado, diin iyo waxyaabo kale oo dhib loo arki karo"". Labo ciyaartoy oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga, balse u ciyaara xulka qaranka Jarmalka - oo kala ah Ilkay Gundogan iyo Emre Can - ayaa astaan taageero muujineysa saaray sawirka salaanta milatariga ee uu soo galiyay Tosun, hase yeeshee labadooduba markii dambe way ka noqdeen taageeradaas. Bishii May ee sanadkii 2018-kii, Gundogan oo ah xiddig u ciyaara kooxda Manchester City iyo Mesut Özil oo u ciyaara kooxda Arsenal ayaa lagu dhaleeceeyay sawirro ay lasoo galeen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Bishii June ee isla sanadkii 2018-kii, Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee Fifa ayaa ganaax dul dhigay saddex ciyaartoy oo ka tirsan xulka qaranka Switzerland, ka dib markii ay astaamo muujinaya qarannimada Albania kusoo bandhigeen ciyaar ka tirsaneyd tartankii Koobka adduunka oo ay la yeesheen xulka Serbia." https://www.bbc.com/somali/war-50044765 +politics Hay'adda Ganacsiga Adduunka: Musharraxiinta Afrikaanka ah maxay kusoo kordhin doonaan qaaradda? "Saddex ka mid ah siddeedda musharrax ee u tartameysa xilka madaxa Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO waxay ka socdaan qaaradda Afrika. Haddaba weriyaha BBC-da ee arrimaha ganacsiga, Zawadi Mudibo, wuxuu warbixinta ku eegeyaa isbeddellada ay u horseedi karaan qaaradda haddii mid ka mid ah loo doorto xilkaas. Diblumaasiyiinta Afrika ayaa rajo ka muujinaya in qof ka socda qaaradda uu la wareego xilkaas ugu sarreeyo ee mid ka mid ah ha'yaddan dhaqaalaha caalamka maamula. Qof Mareykanka ah ayaa mar kasta hogaamiyo Bangiga Adduunka, halka Yurub na ay mar kasta madax ka tahay Ha'yadda Lacagta Adduunka ee IMF, balse Afrikaanku weligood ma aysan qaban jago kuwaas lamid ah. Haddii qof ka mid ah saddexda musharrax ee ka socota Afrika ee kala ah Ngozi Okonjo-Iweala oo Nigerian ah, Aamina Maxamed oo u dhalatay Kenya iyo Cabdel Xamiid Mamduux oo ka soo jeeda Masar ay noqdaan madaxa xiga ee Ururka Ganacsiga Adduunka, waxay qaaraddu daaremeysa in ay la jaan qaadeyso dunida inteeda kale, marka ay timaaddo kaalinteeda ku aadan hogaaminta dunida. Ururka WTO oo uu fadhigiisu yahay magaalada Geneva wuxuu maamulaa ganacsiga adduunka iyo sidoo kale wuxuu xalliyaa muranka dhanka ganacsiga ee soo wajaha dalalka. Sida laga soo xigtay website-ka hay'adda ""wuxuu u furan yahay in dhammaan laga wada faa'ideysto ganacsiga"" Agaasimaha guud ee WTO wuxuu ka qeyb galayaa shirarka madaxda G7 iyo G20, wuxuuna garwadeen ka noqonayaa xallinta khilaafka ka dhex dhaca hogaamiyeyaasha caalamka. Haddii qof ka socda Afrika uu qabto xilka, wuxuu ka caawin karaan qaaradda in wax weyn uu u qabto gaar ahaan ajandayaasha la horgeeyo shirweynaha ururka WTO. Wadahadallada looga arrinsanayo ganacsiga ayaa laga yaaba in dad yar ay ka qeybgalaan oo uu noqdo mid albaabada uu u xiran yahay balse natiijada ka soo baxda waxay saameyn ku yeelan kartaa qof kasta. Laga bilaabo ganacsatada yar yar ah ee badeecadaha isaga gudbiyo xudduudaha gobollada, kuwa ka ganacsada badeecadaha la soo dhoofiyo iyo qof shaqadiisu tahay warshadaha wax soo saarka, dhammaantood waxaa saameyn ku yeelan doona xeerarka ganacsiga ee uu Ururku soo saaro. Afrika, ganacsiga waxaa loo arkaa in uu yahay waxa hagaya kobaca dhaqaalaha iyo tallaabo looga hortaggi karo macluusha. ""Gargaarka shisheeye dan uguma jirto Afrika, sida meelaha kale ee dunida, taariikhda waa ganacsiga"" waxaa sidaas yiri David Luke oo ah madaxa xarunta siyaasadda ganacsiga ee ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobey ee arrimaha dhaqaalaha Afrika. ""Haddaba, qofka caadiga ah ee Afrikaanka ah wuxuu fahmayaa marka qof ay isku jinsiyad yihiin uu hogaaminayo WTO, waxay taasi muujineysa in aan u soo jeedno ganacsiga"". Okonjo-Iweala, oo horey u aheyd wasiirka maaliyadda ee Nigeria ayaa BBC-da u sheegtay in ay dooneyso ""in ay aragto sidii lagu heli lahaa haween iyo dhalinyaro ka dambeeya horumarka Afrika si wax badan looga faa'ideysto ganacsiga adduunka."" Waxay dooneysaa in qaaradda ay ka madaxbanaanaato badeecadaha looga soo dhoofiyo dibadda isla markaana ""la qiimeeyo badeecadaha laga soo saaro gudaha qaaradda."" ""Tusaale ahaan, waxaan boqolkiiba 94 dawooyinka qaaradda laga soo dhoofiyaa dibadda anaga oo gudaha qaaradda ku soo saari karno."" Aamina Maxamed oo horey u soo noqotay wasiirka ganacsiga iyo arrimaha dibadda Kenya waxay BBC-da u sheegtay in haddii ay ku soo baxdo tartanka ""ay waji cusub oo loo dhan yahay ku soo kordhin doonto WTO."" ""Waxaan rajo wayn ka qabaa in la igu tirin doono hogaamiye khibrad leh oo haween ah Afrikana ka soo jeeda."" Cabdel Xamiid Mamduux oo Masar u matalayay ururka WTO, tan iyo sannadkii 1985-tii ayaa sheegay in khibrad durugsan uu u leeyahay hay'addan maamusha ganacsiga dunida, taa oo u horseedi doonta in uu caawiyo qaaradda Afrika. ""Ajanddaheyga Afrika wuxuu yahay in aan ku dadaali doono in dadka Afrikaanka ah ay ka dhex muuqdaan nidaamka ganacsiga."" ""Waxaan sidoo kale ugu baaqi doonaa hogaamiyeyaasha siyaasadda Afrika inay diiradda saaraan siyaasadahooda ganacsiga."" Magacyada musharraxiinta u tartameysa agaasimaha guud ee WTO Si kastaba, marka ay timaaddo in Afrika laga caawiyo in ay gaarto heshiiska ganacsiga xorta ah - waxaa kaalin weyn ka qaadan kara Ururka Ganacsiga ee Adduunka. Heshiiska, dhaqangelintiisa oo uu hakad geliyay cudurka safmarka Korona, waxaa la filayaa in lagu dhawaaqi doono aag ganacsi oo xor ah ee ugu weyn dunida. Dagaalka ganacsiga ee ka dhexeeyo Shiinaha iyo Mareykanka iyo siyaasadda madaxweyne Trump waxay u muuqdaan in dib u dhac ay ku yihiin fikradda ah ganacsiga xorta ah. Xayiraadaha ka hortagga fiditaanka fayraska Korona waxay saameyn ku yeesheen isu gudbinta badeecadaha ganacsiga. Dedaalka ururka ee ku saabsan hirgelinta xeerar cusub oo ay ku heshiiyaan ayaa caqabad noqday, sannadkii 2001-dii. Ururka WTO wuxuu bilaabay heshiisyo kale oo lagu gaaray magaalada Dooxa. Waxaa la filayay in halkaas looga dhawaaqo isbeddallo cusub oo lagu caawinayo dalalka soo korayo, balse wuu guuldareystay heshiiskaas. Waan arrin u taalla qofka hogaamin doona WTO, bisha November ee sannadkan. Shaqada ugu weyn ee laga sugayo cidda loo dooran doono agaasimaha ha'yaddan waxay tahay in dib uu u soo celiyo fikraddii iyo aaminaaddii laga heystay Ururkan." https://www.bbc.com/somali/war-54085153 +technology Shuruudaha adeegsiga "Gelista iyo isticmaalka 'bbc.co.uk' ee UK gudaheeda iyo dibeddaba waxaa bixiya BBC (Dadka dibedda ka isticmaala waxaa laga yaabaa inay arkaan xayeysiin bogagga qaarkood oo ay sameysay qeybta ganacsiga ee BBC, BBC Worldwide Limited (""BBC"") shuruudaha hoos soo socda: 1. Haddii aad isticmaaleyso bbc.co.uk waxaad oggolaatay shuruudahan, kuwaasi oo markiiba dhaqan gelaya isla marka aad isticmaasho bbc.co.uk. Haddii aadan oggoleyn dhamaan shuruudaha fadlan ha gelin, hana isticmaalin, waxna ha ku soo biirin bbc.co.uk. 2. BBC waxay beddeli kartaa shuruudahan xilli kadib, sidaa darteed waa inaad iska hubisaa shuruudaha si joogto ah. Isticmaalkaada sii socda ee bbc.co.uk waxa uu ka dhigan yahay inaad aqbashay shuruudaha wax laga beddelay ama lagu kordhiyay. Haddii aadan oggoleyn isbeddelkaasi, waa inaad joojisaa isticmaalka website-ka. Haddii ay jiraan wax iska hor imanaya oo ah shuruudahan iyo kuwo gaar ah oo deegaanka ah oo ka muuqanaya meel kale oo bbc.co.uk ah (oo ay ku jirto sharci meel u gaar ah) markaa waxa jiraya midka danbe. Wixii faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan isticmaalka bbc.co.uk, hantida maskaxeed, waxa lagu biiriyo BBC, shuruucda bulshada, iska fogeynta iyo xadeynta waajibaadka, isticmaalka guud ee macluumaadka, waxaad gashaa www.bbc.co.uk/terms (oo Af-ingiriis ah)" https://www.bbc.com/somali/hayadeed-37098011 +politics "Kenya: Soomaaliya ""waxay isku dayaysaa in ay naga xirto suuqa jaadka oo shuruud uga dhigto muranka badda""" "Dowladda Kenya oo ka hadashay xanibaadda saaran jaadka Kenya ee la geeyo Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya arrinta jaadka shuruud uga dhigtay muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya. Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo la hadlay mid kamid ah telefishenada maxalliga ee Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeen in la kala saaro arrinta badda iyo ganacsiga labada dal. ""Waxaa dhacday xoogaa is-fahan la'aan ah oo u dhaxeeya dowladda Kenya iyo tan Soomaaliya sababa aan xiriir la lahayn arrimaha jaadka. Waad ogtahay arrimo la xiriira xudduudda ayay maxkamad noo geeyeen. Sidaa awgeed, waxay isku dayayaan in ay naga xiraan suuqa jaadka si ay shuruud uga dhigaan muranka xudduudda ee nagala dhaxeyso."" Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa sheegay in xal u helidda xayiraadda jaadka ay la sugi doonaan dowladda cusub ee imaan doonta, maadaama sida uu sheegay Soomaaliya xilligan ay ka jiraan arrimo doorasho. ""Waxaa ku soo wajahan doorasho. Waad ogtahay marka ay doorasho jirto, xaaladda ayaa aad u kacsan tahay. Dadkii ay ahayd in ay go'aan ka gaaraan dhibaato ayaa haysata oo ma jiro qof doonayo in uu go'aan cad qaato, waayo cod ayay raadinayaan."" ""Marka waxaan rumeysannahay in haddii arrinta doorashada ay dhammaato dalka Soomaaliya, waxaa noo suurtageli doontaa in aan helno dowlad aan la hadalno oo aan soo celinno suuqii qaadka oo aan horumar ka gaarno haddii aanu nahay Kenya. Tan kale waxay tahay waa muhiim in aan helno badeecooyin kale oo aan qaadka uga maarmi karayno."" ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Kenya. Korona fayras: Mamnuucidda Jaadka oo siyaabo kala duwan looga fal celiyay Yay u darantahay haddii uu sii xumaado xiriirka Kenya iyo Soomaaliya? Mirqaanka ma miyir beel baa laga dhaxlaa? William Ruto ayaa sheegay ""Dhanka dalka Ingiriiska, waxaan qeyb ahaan ku guuleysannay in aan suuq uga helno qaadka. Caqabaddu waxay tahay tan aan haatan kala kulmeyno dhanka Soomaaliya oo ah suuqii qaadka ee ugu weynaa. Arrintaasi dhawaan ayay adkaatay."" Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay inay socdaan wadahadallo lagu xallinayo khilaafka hareeyay jaadkii ay Kenya geyn jirtay Soomaaliya. ""Haseyeeshee, hadda waxaa soconaya wadahadallo si aan xal ugu helno arrintaasi oo aan u kala qaadno arrinta dacwadda badda oo aan gooni u dhigno iyo arrinta ganacsiga u dhaxeeya labadani dal. Dhibaatada ugu weyn ee hadda soomaaliya ka jirta ayaa ah in hadda qof kastaa uu cod raadinayo."" Horraantii bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Somaaliyaa ay xaqiijisay iney dib usoo celisay diyaarad sidday jaad oo laga leeyahay Kenya oo lagu eedeeyay iney jabisay tallaabooyinka lagu xaddidayo fayraska corona, sida uu sheegay sarkaal magaciisa ka gaabsady oo dawladda ka tirsan. Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii lasoo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaasoo la sheegay inuu ku jiro kheyraad qiimo badan leh." https://www.bbc.com/somali/war-54076554 +religion Imaam u dhintay la dagaallanka cunsuriyad "Qaraabada iyo asxaabta imaam la dilay 50 sano ka hor, xilli uu ka hortagayay cunsuriyadda South Afrika, waxay weli la murugsan yihiin geeridiisa, sida ay qortay weriyaha BBC, Penny Dale. Laba arrin oo muhiim ah ayaa ka dhacay magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika, 29kii bishii September 1969. Mid waa aaska ballaaran ee illaa 40,000 oo qof ay qaadeen naxashka maydkii Imaam Cabdullaahi Haron, oo lagu duugay qubuuraha Muslimiinta ee Nowbray. Sidoo kale, habeenkaas dhulgariir wayn ayaa ruxay dhulka magaalada. Dad badan oo labada dhacdo u joogay waxay si aan caadi ahayn u aaminsanaayeen in xiriir uu ka dhexeeyay arrimahaas - Waxay sheegeen in dilka Imaamka oo 45 sano jirka uu ahaa mid xanuun badan oo laga argagaxo. Imaam Haron wuxuu ku dhex dhintay saldhig boolis, 27-kii September, ka dib 123 maalmood oo keligii lagu xiray qol laguna hayay imtaxaan adag oo baaritaan ah oo la xiriiray sidii uu ugu lug lahaa halgankii ka dhanka ahaa cunsurayiddii midab kala sooca. Maamulkaas wuxuu soo afjarmay 1994, ka dib markii Nelson Mandela uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ee Koonfur Afrika. Imaam Haron wuxuu ahaa wadaadkii ugu horeeyay ee diimaha oo dhan ee ku dhintay xabsi ay lahaayeen maamulkii midab takoorka. Geeridiisa waxay sababtay in xitaa ragga Alle u adeegayay aysan ka badbaadeyn cadaadiskii sii kordhayay ee maamulkii aaminsanaa sarreynta Caddaanka. Geeridiisa waxaa ka dhashay caro caalami ah, wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee tacsi loogu qabtay kaniisadda caanka ah ee London ee St Paul's Cathedral. Ciidamaddii booliska ee uu u xirnaa waxay sheegeen inuu dhintay ka dib markii uu ka dhacay jaranjaro. Waxay sheegeen in labada feer ee jabtay iyo 27 dhaawac oo ku yaallay jirka imaamka aysan iyagu shaqo ku lahayn, inkastoo caan ay ku ahaayeen in tacaddi iyo jirdil ay adeegsadaan. Qoyska Imaamka waxay sheegeen in aysan aqbaleyn ""beentaas"", waxayna dalbanayaan baaritaan cusub oo la xiriira geeridiisa oo lagu maamuuso 50 sano ka dib. Si loo taageero ololihiisa, waxaa la arkaa farshaxanistaha Haron Gunn-Salie - kaas oo loogu magacdaray Imaamka si loogu xasuusto, wuxuuna sameeyay farshaxanno kala duwan oo lagu xasuusanayo noloshiisa iyo geeridiisa. Howshii ugu dambeeyay ee Gunn-Salie waxaa loogu magacdaray 'Waxaan u Oynayaa Cadaalad', waxaa laga taagay Qalcadda Rajada Wanaagsan ee Cape Town - Qubuuro gaar ah oo aan la calaamadeyn oo lagu aasay 118 qof, mid ka mid ah dadka uu sheegay in xabsiga ay ku dhinteen xilligii Midab Takoorka waxaa ka mid ah Imaam Haron. Dhammaantood waxay xirnaayeen iyagoo aan cadaalad helin - booliskana waxay sheegeen in ay dhinteen ka dib markii jaranjaro ay ka soo dheceen ama ay musqusha ku kufeen ama iyagu ay isku deyeen in ay daaqad ka boodaan. Qofna looma dacweyn masuuliyadda dadkii ku geeriyooday xabsiyada dhexdooda, welina waxay tahay nabad xanuun badan oo ku taagan ehellada dadkaas. Marka la dhammeeyo, ee lagu soo bandhigo Qalcadda, qubuuraha uu Gunn-Salie uu qoday waxaa ka soo bixi doono ereyga ah: Cadaalad? ""Waa farriin dadweyne oo macno ahaan weydiisanaya in wixii tagay dib loosoo qufo, warqadaha dib loosoo saaro, caddeynta la keeno, qoysaskana ay gaaraan gebagebada arrintan,"" ayuu yiri Gunn-Salie. Waxaa murugo ah, xaaskii uu ka dhintay Galiema Haron oo 93 sano jir ahayd in Axaddii ay geeriyootay. Waxay ku beegneyd 50 sano oo buuxda, xilligii ay ka qeybgashay aaskii seygeeda, iyadoo aan ku guuleysan in kiiskaas uu xirmo. Xildhibaanka xisbiga talada haya ee ANC, Faiez Jacobs oo u tacsiyeeyay wuxuu yiri: ""Waxay garoob ku noqotay wax u muuqday dil ula kac ahaa, keligeed ayaa korisay carruurteeda, markastana waxay niyadda ku haysay sidii uu ku dhintay seygeedii ay jecleyd. ""Haddii Maamulkii Midab Takoorka ay la ahayd in ay niyad jebin karaan, way qaldanaayeen. Way ku adkeysay go'aankeeda iyo mabaadii'deeda"". Imaam Haron wuxuu ka mid ahaa imaamyadii dhallinyarada ahaa ee South Afrika - wuxuu jiray 32 sano markii sannadkii 1955 loo magacaabay inuu imaam ka noqdo masaajidka Stegmann ee Cape Town. Wuxuu astaan u ahaa bulshadii Muslimiintaa ee midabada kala duwanaa ee Cape Town. Wuxuu billaabay waxbarashada dadka waaweyn, doodo ay mowduuca laga hadlayo ay xulan jireen dhallinyarada, dumarkana waxaa lagu dhiiragelin jiray in ay ka qeybgalaan. Sidoo kale wuxuu carruurta u ogolaaday safka hore ee masaajidka, halkii ay gadaal ka fadhiisan lahaayeen iyo in salaadda ay tujiyaan. Wuxuu casuumay dad aan Muslimiin ahayn - sida midowgii ganacsatada iyo siyaasiyiintii qunyar socodka ahaa - in ay yimaadaan ayna la hadlaan dhallinyarada una sheegaan wixii ka socday Koonfur Afrika. ""lama mid ahayn culimadii Muslimiinta oo hab dhaqanka ku adkaa,"" ayuu yiri weriye ka tirsanaan jiray garabkii hubeysnaa ee ANC, oo ah Gunna-Salie aabihii. ""Wuxuu ahaa nin horusocod leh, ka horeeyay da'diisa,"" ayuu hadalka ku sii daray Mr Salie, oo isagoo 13 jir ahaa ka qeybgalay aaska Imaamka, sida uu BBC u sheegay. Fatiema Haron-Masoet - gabadha ugu yar seddaxda carruur ee Imaamka uu ka tagay - waxay ku dhoweyd lix sano markii aabeheed uu dhintay. ""Wuxuu ahaa nin dabacsan, wuxuu ahaa qof naxariis badan oo dadka jecel, martidana si dareen iyo shucuur leh kusoo dhoweeya,"" ayey tiri. Wiilka imaamka Muxammed Haron, oo hadda Botswana ka ah Bare sare oo arrimaha Fiqiga ah, wuxuu jiray 12 sano markii uu aabihii dhintay. Wuxuu si weyn u xasuustaa in aabihii uu ahaa qof cibaado badan oo isbuucii laba goor sooma, tan iyo yaraantiisa - markastana wuxuu xiran jiray koofiyad madow. ""Taasi waxa ay ahayd astaanta lagu garto -wuxuu ahaa faqiih oo Islaamnimada ku dhashay."" Wuxuu sidoo kale ahaa qof ""furfuran"" iyo ""nin ay u muuqatay wax nolosha dhaafsiisan"" - qof si quruxbadan u lebista, xarago badan iskuna kalsoonaa, ilko quruxbadanna lahaa. Wuxuu jeclaa ciyaaraha rugby-ga, kirikitka iyo shaneemada. Imaamka waxaa guriga u yaalay shaashad weyn - Muxammed wuxuu xasuustaa in koox ka mid ah saaxiibbadiisa wadaaddada ahaa ay isugu tagi jireen guriga qoyskiisa, wuxuuna u shidi jiray aflaan ""inta badan saqda dhexe ee habeennada Jimcaha iyo Sabtida"". Imaamka wuxuu taageero weyn u ahaa filimka mala-awaalka ah ee jaajuuska James Bond. Waxaa suuragal ah in ishii burada ku taallay inuu ugu magacdaray gurigiisa oo loo garanayo Isha Dahabiga ah - ka dib soosaarihii musalsalka. Isha Dahabiga waa guri laba dabaq ah oo leh balakoon weyn - xeyndaabka korana waxaa lagu dhisay astaamaha miyuusikada. ""Miyuusika gebi ahaanba ma ogola fikradaha adag ee cilumada,"" ayuu yiri Muxammed. ""Balse aabihii wuxuu fiqi ahaan awooday in uu ka tallaabo qaar ka mid ah arrimaha loo arki karay in lama taabtaan ay yihiin."" ""Wuxuu haystay fikrado baaxad weyn halkii uu meel isku koobi lahaa,"" ayuu yiri wiilkiisa Muxammed. Ujeedadii Imaam Haron ee ahayd inuu sameysto isbeheysi ka kooban jinsiyadaha oo dhan iyo sidoo kale masiixiyiinta iyo bulshooyiinka kale, waxay ka dhigtay in uu halis gaar ah ku noqdo awooddii sii koreysay ee maamulkii naxariista darnaa ee ku shaqeynayay kala qeybin iyo xukun adag." https://www.bbc.com/somali/war-49894122 +entertainment Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya Sushant Singh Rajput oo geeriyooday "Mid ka mid ah xidigaha sida aadka ah u soo caanbaxay sanooyiinkii ugu dambeeyay ee Bollywoodee dalka Hindiya Sushant Singh Rajput, ayaa meydkiisa laga helay guri uu ka daganaa magaalada Mumbai. Jilaagani caanka ah oo ay da'diisu ahayd 34- jir ayaa sida ay booliiska sheegeen la rumaysan yahay in uu is dilay. Filimaanta uu caanka ku ahaa, Rajput waxaa ka mid ah MS Dhoni iyo filimkii la magac-baxay The Untold Story. Waxaa geeridiisa ka tacsiiyeeyay dad badan oo uu ka mid ahaa rai'sul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi. Mr Modi, ayaa ku tilmaamay Rajput ""jilaa da'yaraa oo ay geeridiisu soo deg-degtay "". Geerida Rajput ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun ka dib markii uu dhintay maamulihisii. Sushant Singh Rajput waxaa uu ku dhashay gobolka bariga dalka Hindiya ku yaalla ee Bihar. Rajput ayaa isaga tagay jaamacada oo uu ka baranayay culuumta Injineernimada islamarkana waxaa uu door biday in uu xirfadiisa u leexiyo dhanka jilliinka. Waxaa uu Bollywood-ka caan ka noqday oo uu ku soo biiray 2013 markaasi uu ka mid noqday jilaayashii filimkii xiisaha badnaa ee Kai Po Che, oo ahaa filim ku guulaystay abaalmarintii aflaanta ee Berlin film festival. Filimkii ugu dambeeyay ee uu dhigay Sushant Singh Rajput ayaa ahaa Chhichhore, kaasi oo la soo saaray sanadkii aanu soo dhaafnay. Agaasimihii filimkaasi Nitesh Tiwari aya sheegay in Sushant Singh Rajput uu la hadlay toddobaadkii aanu soo dhaafnay. ""Waxaan ku hadlo ma aqaan, waxaan la hadlay toddobaadkii aanu soo dhaafnay,"" waxaa uu sidaasi u sheegay wargeyka ka so baxa Hindiya ee Press Trust of India Qoraalkii ugu dambeeyay ee uu so dhigay Mr Rajput barta uu ku leeyahay Instagram-ka oo ay ku xiran yihiin 10.2 milyan oo qof ayaa ahaa 3 bishii June,. Rajput ayaa waxaa uu soo dhigay sawirka hooyadii oo dhimatay 2002, markaasi oo uu aad u da'a yaraa, sida laga soo xigtay wargayska PTI. Maamulihiisii Disha Salian, oo 28 jir ahaa, ayaa dhintay ka dib markii uu ka soo dhicay dabaq 14 biyaano ka kooban magaalada Mumbai." https://www.bbc.com/somali/war-53045675 +health Stella Immanuel - Dhakhtaradda u doodaysa in dawo aan la hubin lagu dabiibo korona "Stella Immanuel, oo ah dhakhtarad hadalkeeda uu muran badan dhaliyay, taa oo sheegtay in dawo aan wax tarkeeda la hubin oo halis keeni karta looguna talo galay dawaynta duumada.Waxay ku doodeysaa in dawadan lagu dawayn karo fayraska Covid-19, waxaana cad in tani aanay ahayn markii ugu horraysay ee muran noocan ah ay dhaliso. Facebook iyo Twitter ayaa shabakadahooda ka saaray muuqaal laga duubay dhakhtaradda, waxayna sheegeen in uu xad gudub ku yahay qawaaniintooda oo uu yahay mid xog aan sugnayn dadka loogu soo tebinayo. Laakiin intaan muqaalkaa laga saarin shabakadahaas ayaa Donald Trump iyo mid inamadiisa ka mid ahi ay sii faafiyeen. Madaxweynaha Maraykanku wuxuu ku dooday inuu u arko Dr Stella in ay tahay ""qof aqoon leh"". Haweeneydan waxay ku dhalatay dalka Cameroon haatan se degan magaalada Houston ee gobolka Texas, in ay tahay ""qof aqoon leh."" ""Waxay sheegtay in ay si weyn ugu guulaysatay daweynta boqollaal kala duwan oo bukaan ah, waxaanan rumaysanahay in doodeedu tahay dood muhiim ah laakiin shakhsiyadeeda waxba kama aqaan,"" ayuu yidhi. Dr Stella oo sidoo kalena ah baadariyad Masiixiyad ah, ayaa iyada oo hadal ka jeedinaysa Washington, Maxkamadda Sare ee Maraykanka horteeda laga duubay muuqaalkaas oo Isniintii, markii hore uu baahiyey website-ka aragtidiisu tahay garabka midig ee la yidhaa Breitbart. Iyada oo ay la taagan yihiin dhakhaatiir kale oo ka tirsan urur la yidhaa 'America's Frontline Doctors', waxay sheegtay in shacabka Maraykanka loo diidayo dawo lagu dabiibi karo coronavirus. ""Ma aha in qofna bukoodo. Fayraskani dawo ayuu leeyahay, waxa la yidhaa hydroxychloroquine, waxaan ku daweeyey 350 iyo dheeraad qof oo bukaan ahaa oo aan midkood na dhiman,"" ayay tidhi Dr Stella Immanuel. In kasta oo daraasado hor dhac ahi ay rajada ah in dawadan lagu dawayn karo fayraska korona ay kor u qaadeen, hadana tijaabooyin ballaadhan oo markii dambe la sameeyey waxay muujiyeen in aanay dawadu sidii la moodayey wax tar u lahayn. Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa joojisay tijaabooyinkii dawadaas ee lagu sameynayay bukaanka, iyadoo sheegtay in ay aanay hoos u dhigayn xaddiga dhimashada bukaanka uu ku dhacay fayraska korona. Ka dib markii ay soo baxeen xogo tibaxaaya in ""ay keento dhibaatooyin halis ah oo garaaca wadnaha ah"", waxay wakaaladda cuntada iyo dawooyinka ee Maraykanka FDA ay ka digtay bishii hore in loo adeegsado dawadaa in lagu dabiibo bukaanka fayraska korona. Sidoo kale Dr Anthony Fauci, oo ah xubin sare oo ka mid ah gudida Aqalka Cad u saaray ka hortagga fayraska korona ayaa isna ku nuuxnuuxsaday isla aragtidaa. ""Daraasad kasta oo fiican - fiican markaan leeyahayna waxaan u jeedaa daraasad si teel teel ah loo sameeyey oo xogta ka soo baxday ay tahay mid saxa oo lagu qanci karo - waxay muujisay in hydroxychloroquine aanay wax tar u lahay dawaynta Covid-19,"" ayuu yidhi isaga oo Arbacadii BBC-da la hadlayey. Laakiin Dr Stella ayaa ku adkaysanaysa in aanay wax dhibaato ah lahayn in hydroxychloroquine la siiyo bukaanka, sababtoo ah dalkeeda Cameroon ayaa aad looga isticmaalaa oo lagu daweeyaa cudurka duumada. Dr Stella waxay dhalatay 1965, waxaanay shahaadada koobaad ee caafimaadka ka qaadatay jaamacadda Calabar ee dalka wadankeeda ay jaarka yihiin ee Nigeria. Sida ku cad website-ka gudida dhakhaatiirta Texas na, waxay haysataa liisan dhakhtarnimo oo sharci ah. Sidoo kale waa baadariyad, waxaanay ka mid tahay aasaaseyaasha Fire Power Ministries ee Houston, oo ah madal ay u adeegsato in ay ku faafiso aragtiyaha dhagridda ah ee la xiriira xirfadda caafimaadka. Wacdiyadeeda waxay sidoo kale ku jiraan bar YouTube ah oo la furay sannadkii 2009. Shan sano ka hor ayey sheegtay in hiddesideyaasha noole qalaad oo meere kale ka yimid loo adeegsado dawaynta iyo sidoo kale in saynisyahannadu ay u soo saaraan talaallada si ay dadka uga joojiyaan in ay diinta ku dhaqmaan. Waxyaabaha ay ku dooddo waxa kale oo ka mid ah in ay xanuunnada qaarkood sababaan faalisooyin ama saaxir iyo jin- arintaas oo ah wax ay rumaysanyihiin Masiixiyiinta Evangelical-ka ahi. Walow ay xataa sheegto in jin uu dadka qaar ugu galmoodo si riyo ah. ""Naag ayay iska dhigaan markaa ayay ninka la seexdaan oo mindiisa (xawadiisa) qaataan….ka dibna nin ayay iska dhigaan oo waxay la seexdaan nin oo ay shahwadaa ku sii daayaan oo ay sidaa aad ugu tarmaan,"" ayay tidhi mar ay wacdi jeedinaysay 2013. Arrinta kale ee ay Dr Stella wax ka sheegtaa waa guurka dadka isku jinsiga ah, oo waxay ku sheegtaa inuu keeni karo in dadka waaweyn ay caruurta guursadaan, sida uu soo tebiyey website-ka Daily Beast. Sidoo kale waxay bixisaa adeeg duco ah oo ay ku saarayso nacladda jiilalku kala qaadaan ee markeeda hore laga dhaxlo awowyaasha ee la iskugu gudbiyo madheerta, sida uu websit-kaasi ka qoray taariikhdeeda. Muuqaalkeedii ugu dambeeyey ee Talaadadii lagu baahiyey Twitter-ka, waxay ku waydiisanaysaa bukaanka ay sheegtay in ay ka dawaysay Covid-19, in ay is sheegaan. ""Hadii aad hadli waydaan, waxaan sheegayno ayaa laga dhigi waxba kama jiraan,"" ayay tidhi, waxaanay ku dhiiri gelisay in ay adeegsadaan Hashtag marka ay baahinayaan fariimahooda muuqaalka ah. Fariinteedaa ay Twitter-ka ku qortay waxa la sii tebiyey in ka badan 27,000 oo goor. Markii Facebook iyo Twitter ay muuqaalkaa Ameica's Frontline Doctors ka saareen shabakadahooda, ayey ku dhawaaqday in Ciisa Masiixi (Jesus Christ) baabiin doono shirkaddaa weyn ee baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka, hadii muuqaalladeeda ay soo celin weydo. Illaa haatan Facebook may sheegin wax khalkhal ah oo ku dhacay shabakadeeda. Waa urur ay ku bahoobeen dhakhaatiir dhaliila aragtida sayniska ee la isla qaatay ee ku saabsan Covid-19. Dhacdadii Isniintii waxa taageeray urur lagu magacaabo Tea Party Patriots oo ah urur muxaafid ah oo doonaya in mar kale la doorto Madaxweyne Trump. Dhakhaatiirtaas waxay rumaysan yihiin in aanay muhiim u ahayn xayiraado ama dadka oo xidha marada afka iyo sanka ee la dagaalanka fayraska korona. Aasaasaha ururka, Simon Gold, ayaa abaabulay bishii May, warqad loo diray Trump oo lagaga codsanayey in uu joojiyo xayiraadaha. Dadkii saxeexay qoraalkaas ayaa lagu dhiiri geliyey in ay wareysiyo siiyaan dadka saamaynta ku leh baraha bulshada maadaama ay arintaasi tahay qaabka ugu wanaagsan ee shacabka Maraykanka fariimaha lagu gaadhsiin karo. Ralph Norman oo ah xubin xisbiga Jamhuuriga ugu jira Aqalka Wakiilada ayaa ag taagnaa dhakhaatiirta markii ay shirka jaraa'id qabanayeen. Dooddu waxay dadka Maraykanka u sii kala qaybinaysay qaab siyaasadeed, waxaanay kuwa taageersan hydroxychloroquine farta ku fiiqayeen sida Madaxweyne Trump u taageeray, iyagoo sidoo kalena dadka dhaliilaya ku eedaynayey in ay qarinayaan waxtarka ay yeelan karto dawadaasi." https://www.bbc.com/somali/war-53594835 +politics Maxaa dhacay markii ay NFD isku dayday inay la midowdo Soomaaliya? W/Q: Jamal Ahmed Abdurahman Siyaasiyiin qeyb ka ahaa ololihii gobannimo-doonka ee Waqooyi-bari Kenya ayaa hadda ka hor isku dayay inay ka qeyb qaataan aasaaska Soomaaliweyn. Waxay tageen magaalada Muqdisho oo ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladdii rayidka ahayd ee dalka maamuleysay madax-bannaanida markii la qaatay kaddib. Xubno ka socday Xisbiga Horumarinta Dadka Waqooyi-bari Kenya (NPPP) ayaa bishii Sebteember ee sanadkii 1961-kii Soomaaliya u tagay si ay ugala xaajoodaan is-raaca iyo ku biirista Soomaaliyada xorowday sida uu BBC u sheegay Suldaan Deeqow Macallin Sambul oo ahaa xoghayaha xisbigaas, kana mid ahaa xubnihii safarkaas u baxay. Suldaan Deeqow wuxuu xusay inay la kulmeen raysul wasaarihii Soomaaliya ee xilligaas Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Waxay sidoo kale hortageen baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhoweeyay aragtida ay meesha u tageen ee is-raaca. Wuxuu intaa ku daray in Soomaalida Gobolka Waqooyi-bari Kenya ay 87 boqolkiiba doonayeen inay la midoobaan Soomaaliya. “isla markiiba waxaa naga hor imaaday isbeddel uu Ingiriiska sameeyay oo ahaa in wax xudduud ah aan la sameyn, marka ururro siyaasadeed ayaa billaabmay. Annaga waan qaaddacnay oo wixii gala xisbiyadaas naga mid ma aheyn,” ayuu yiri Suldaan Deeqow. Wuxuu tilmaamay in Soomaalida Kenya ay weligoodba ahaayeen bulsho goonni ah oo aad uga tiro yar Kenya inteeda kale. Markii ay Kenya xorriyadda qaadaneysay Soomaalida NFD waxay tiro ahaan gaaraysay 300,000 oo qof, halka Kenya inteeda kale ay ahayd 14 milyan oo qof. “Marka xukun ahaan, dhaqan ahaan iyo aragti ahaanba waxaan ahayn bulsho goonni ah,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray, “Bariga Afrika waxaa ka jiray Kenya, Uganda,iyo Tanganyika (Tansaaniya), waxayna kujiraan gacanta Ingiriiska oo saddex gudoomiye oo caddaan ah ayaa maamula, hal suuq ayayna leeyihiin. Soomaaliya way xorowday, meelna ma raacsana. Hanti-wadaag ma aha, hanti-goosadna ma sha meel cidla ayay taagan tahay,” ayuu yiri Suldaan Deeqow. Xisbiga NPPP wuxuu go’aansaday in uusan wax cilaaqaad ah la yeelan dowladda ka dhalan doonta Kenya, taas oo sida uu sheegay Deeqow uu oggolaaday gumeystihii Ingiriiska. Hase yeeshee, ay dib wax iska beddeleen markii uu Ingiriisku qalad u arkay inuu NFD u oggolaado ku biirista Soomaaliya. Suldaan Deeqow wuxuu sheegay in ay dib ka soo ifbaxeen ururro siyaasadeed oo Soomaali ah oo ka soo horjeestay in NFD ay ku biirto Soomaaliya. Waxaa sidoo kale saameeyay awooddii markaas Kenya ka talinaysay oo diiddaneyd doonistooda. Dhaqdhaqaaqa kooxda Suldaan Deeqow waxaa kaalin muhiim ah uga jiray Cali Aadan Sayid (Lord) oo ka mid ahaa aasaaseyaasha xisbiga NPPP, ahaana Soomaaligii ugu horreeyay ee xildhibaan ka noqda Kenya. Haddaba kumu ahaa Cali Aadan Lord. Cali Aadan Sayid wuxuu ku dhashay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya sanadkii 1915. Qoyskiisu wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa magaalada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Naaneysta (Lord), wuxuu ka dhaxlay aabbihiisa oo lahaa hanti ma guurto ah oo aad badan. Suldan Deeqow oo BBC-da uga warramay taariikhda Cali Aadan Lord ayaa yiri: “Xilligii uu gumeysigu talinayay Soomaalida waxaa loo oggolaa hal xildhibaan in uu ku metelo Golaha Sharci-dejinta ee Kenya (LEGCO) intii uu dhaxeysay sanadkii 1915 ilaa 1963-kii. Golahan waxaa horay xubin uga noqon jiray oo kaliya dadka caddaanka ah ee markaas joogay Kenya ilaa dabayaaqadii 1950-meeyadii. Cali Aadan waxaa ka horreeyay Axmed Faarax oo turjubaan u ahaan golaha sharci-dejinta, asalkoodana waxay kasoo jeedeen British Somaliland.’’ Xilligaasi xisbiga NPP ee ka dhisnaa Gobolka Waqooyi-bari Kenya wuxuu diiddanaa inuu xiriir la yeesho maamulkii gumeysiga ee ka jiray Kenya. Suldaan Deeqow oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri: “Waan gefnay waxaan xaaraannay  in aan wax cilaaqaad ah la yeelanno dowladdii gumeystaha ee ka jirtay meeshaan la yiraahdo Kenya. Marka aan ogaannay in aan gefnay baanu Cali u fasaxnay in uu tartamo sanadka markuu ahaa 1961-kii. Aniga Deeqow ahaan ayaa qaatay go’aankaas oo waxaan ahaa xoghayaha guud ee xisbiga NPPP,  tartankana wuxuu ahaa mid uu keligiis ku yahay oo wax Soomaali ah oo NFD ka soo jeeday oo la tartamayay ma jirin. Tartankaas waxaa ka qeyb qaadanayay qabiillada kale ee Kenya. Marka intuu nin aan Soomaali aheyn na meteli lahaa ayaan Cali u oggolaannay in uu tartanka ka qeybqaato.” Cali Aadan Lord waxa uu ku biiray dhaqdhaqaaqii gobonnimo-doonka Kenya ee loo yaqaanay Mau Mau, isagoo xilligii dambe ka noqday shakhsi muhiim ah oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Mau Mau. Waxaa la sheegay in Cali uu saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii ugu horreeyayay ee Kenya Jomo Kenyatta xilligii halganka loogu jiray madax-bannaanida Kenya. Wuxuu markii dambe ku biiray Xisbiga Horumarka Dadka Gobolka Waqooyi-bari Kenya (NPPP) oo uu aasaasay Suldaan Deqow Macallin Sambul oo hadda ku nool magaalada Gaarissa. Cali Aadan waxa uu ahaa guddoomiyaha xisbiga NPPP ee magaalada Wajeer. Sida aan ka soo xigannay Suladan Deeqow, Cali Aadan waxaa ku dhacay cudurka cagaarshowga oo uu u dhintay sanadkii 1961-kii markii ay ka soo noqdeen safarkoodii Soomaaliya. https://www.bbc.com/somali/articles/cp4xrdw4k1lo +entertainment Atariishooyin caan ah oo loo heysto arrin ku saabsan dhimashada atoore Waaxda Xakameynta Maandooriyaha ee dalka Hidniya ayaa maanta oo Arbaco ah soo saartay warqad ay ugu yeereyso afarta atariisho ee kala ah Deepika Padukone, Sara Ali Khan, Shradhha Kapoor iyo Rakul Preet Singh, kuwaasoo dhammaantood loo heysto kiis daroogo ah oo la xidhiidha geerida jilaagii lagu magacaabi jiray Sushant Singh Rajput. Saraakiisha ka howl gala waaxdan ayaa galinkii hore ee maanta su'aalo ku saabsan isla kiiskaas weydiiyay ninka filim soo saaraha ah ee la yidhaahdo Madhu Mantena. Mantena wuxuu qeyb ka ahaa soo saarista filimkii Bollywood-ka ee 'Udta Punjab', oo soo baxay sanadkii 2016-kii, kaasoo ku saabsanaa arrimaha isticmaalka daroogada. Magaciisa ayaa kiiskan lagu soo daray kaddib markii sida la sheegay ay booliska la dagaallanka maandooriyeyaasha su'aalo weydiiyeen maamulihii dhinaca xirfadda ee Sushant Singh Rajput, oo lagu magacaabo Jaya Saha. Haweeneydan waxaa arrimahaas xarunta waaxda xakameynta maandooriyaha looga wareysanayay labadii maalmood ee lasoo dhaafay. Maalintii Talaadada ahayd ayaa loo yeedhay Karishma Prakash oo ah maamulaha Padukone iyo shakhsiyaad kale oo horay ula soo shaqeeyay atariishada. Farriimo la iskula wadaagay WhatsApp-ka oo la qoray sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday eedeymo ku saabsan Padukone, waxaana la sheegay in maamulaheeda ay soo iibisay maandooriyeyaal ay mamnuuc tahay in la isticmaalo. Padukone ayaa laga sugayaa inay xarunta baadhitaanka iska xaadiriso 25-ka bishan September. Shraddha Kapoor iyo Sara Ali Khan ayaa iyagana saraakiisha waaxda xakameynta maandooriyaha kasoo hor muuqan doona maalinta xigta ee ay taariikhdu ku beegan tahay 26-ka bishan, sida ay shaacisay warbaahinta ANI. Waaxdan waxay baadhitaan iyo dabagal ku heysaa kiis daroogo ah oo lala xidhiidhiyay geerida Rajput. Horaantii bishan, waxaa xabsiga loo taxaabay lix ruux oo ka soo kala jeeda Mumbai iyo Goa, kuwaasoo dhammaantood loo heysto kiiskan. Markii ugu horreysay waxaa la qabtay nin 23 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Karam Jeet Singh Anand ama KJ, waxaana gurgiisa laga helay xashiish iyo maandooriyeyaal kale. Sida ay mas'uuliyiinta sheegeen, Karam Jeet wuxuu qeyb ka ahaa dadka daroogadaas ku lugta lahaa ee uu saameeyay baadhitaanka socda. Ilaa hadda waaxda la dagaallanka maandooriyeyaasha waxay xirtay 16 eedeysane oo ay ka mid yihiin atariishada caanka ah ee Bollywood-ka, Rhea Chakraborty, walaalkeed Showik Chakraborty, maamulihii guriga Sushant Singh Rajput Samuel Miranda, shaqaalihii guriga Dipesh Sawant, iyo ganacsato iibisa daroogada oo lagu sheegay magacyadooda Zaid Vilatra, Abdel Basit Parihar; Kaizan Ebrahim, Karna Arora, Abbas Lakhani iyo Anuj Keshwani. Doodaha la xidhiidha dhinaca daroogada ayaa muddooyinkii dmabe kusoo batay jilayaasha shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood-ka, waxaana eedeymo ku saabsan isticmaalka maandooriyeyaasha loo jeediyay dad magac weyn ku leh jilista filimada. Afarta atariisho waxaa la weydiin doonaa su'aalo ku qotoma wararka ku saabsan in ay daroogo isticmaaleen. Haddaba su'aasha la isweydiinayo waxay tahay: Ma laga yaabaa in eedeymaha isticmaalka daroogada ay burburiyaan mustaqbalka xirfadaha ee atariishooyinkan? https://www.bbc.com/somali/war-54268746 +politics Shan sababood oo qasbay in Biden guulaysto "Ku dhawaad 50 san oo shaqo dawladeed ah iyo la noolaanshaha han madaxweyne, Joe Biden ugu danbayn waa uu qabsaday aqalka cad. Ma jirin ololahiisii cid saadaalisay. Waxa uu dhacay iyada oo ay jirto hal-qarni fowdo bulsheed aan horay loo arag. Wuxuu la tartamayey masuul aan caadi ahayn, oo xilka sii haya una heellanaa in uu difaacdo si adag. Laakiin isku daygiisii saddexaad ee madaxweynenimo, Biden iyo kooxdiisu waxay heleen dariiq ay ka maraan caqabadaha siyaasadeed isla markaana ku andacoodaan guul in kasta oo ay aad u yar tahay tirada codadka ee ergada doorashada, waxaa la saadaalinayaa in uu ka sarreyn doonto guud ahaan tirada guud ee Trump codad kor u dhaafaya malaayiin. Kuwani waa shanta qodob ee u sahlay inankii uu dhalay odaygii gawaadhida gadi jirey ee ka yimi Delaware in uu ku guulaysto madaxtinnimada Maraykankan. Laga yaabee waaba sababtii ugu ee Biden ugu guulaystay madaxtinnimada, waxayna wax guud ahaanba farahiisa ka baxsanaa madaxweynihii xilka hayey. Faafitaanka coronavirus, oo sii sahayday in ka badan 230,000 oo qof, ayaa sidoo kale wax ka beddashay nolosha iyo siyaasadda Mareykanka sannadkan 2020. Maalmihii ugu dambeeyay ee ololaha guud ee doorashada, Donald Trump laftiisu wuxuu umuuqday inuu tan qirayo. ""Wararka beenta ah, wax walba waa Covid, Covid, Covid, Covid,"" madaxweynaha ayaa ka sheegay isu soo bax ka dhacay todobaadkii hore Wisconsin, halkaas oo kiisasku ay sii kordhayeen maalmihii la soo dhaafay Warbaahintu waxa ay si weyn diirada saareen Covid, si kastaba ha noqotee, waxay u ahayd milicsi lama filaan ah Joe, halka uu dadweynaha u ahaa kii walaaca ku abuuray - Waxaana baahintiisii la saaray codeyn aan fiicneyn oo ku saabsan sida madaxweynuhu u maareeyay dhibaatada. Sahan la qaaday bishii la soo dhaafay oo ay samaysay Pew Research, ayaa soo jeediyay Biden inuu haysto 17 boqolkiiba dhibic taas oo ka sarreysa Trump markii loo eego kalsoonida ku saabsan sida ay u maareynayaan cudurka 'Covid'. Safmarkaas iyo hoos u dhacii dhaqaale ee ku xigay ayaa Trump ka kala daadiyey fariintiisii ololaha ee doorbididda koritaanka iyo barwaaqada. Waxay sidoo kale muujisay welwelka ay dad badan oo Mareykan ah ka qabeen madaxweynenimadiisa, sida aanu waxyaalaha muhiimka ah diiradda u saarin, sida su'aalaha laga weydiinayo sayniska uga jawaabo, maareynta halisaha waajahaya ganacsiyada yar yar iyo kuwo waaweyn, iyo kala mudnaanshaha dhanka eexda. Cudurka faafa waxa uu u ahaa miisaan culus qiimaynta hoggaaminta Trump, taas oo, sida laga soo xigtay Gallup, ay hoos ugu dhacday 38% hal dhibic xagaagii - noqotayna mid ka mid ah waxyaalihii ololihii Biden ka faa'iideystay. Intii uu ku guda jiray xirfadiisa siyaasadeed, Biden wuxuu aasaasay sumcad wanaagsan oo uu ku kasbaday inuu naftiisa dhex dhigo badanaa xaalado murugsan. Sababtaas ayaana galaafatay ololihiisii madaxweynenimo ee ugu horreeyay 1987, taas oo uu sidoo kale 2007-kiina uusan helin wax badan oo uu ka shidaal qaato, si uu ololahiisu u wanaagsanaado. Isku daygiisii seddexaad ee Xafiiska Oval, Biden weli waa ay hortaagnaayeen hadalladiisii hore, laakiin waxay ahaayeen kuwo aan sii ridneyn. Dabcan, sida oo kalena waxa kale muhiimka ah ayaa ayaa ah in madaxweynaha laftiisu uu ahaa il aan kala joogsi lahayn oo hadalkiisu mar walba abuurayey is maandhaaf. Arrin kale ayaa jirey oo caawiyey - keliya ma ahayn cudurka faafa ee coronavirus, mudaharaadyo dhacaykadib dhimashadii George Floyd iyo khalkhal dhaqaale - ayaa ahaa kuwii hadheeyey dareenka guud qaranka. Waxaa kale oo la illaawi karin oo kaalin muhiim ah ka lahaa kooxdiisii ololaha oo musharraxooda ku ilaayey waddada, si aanu u gelin khaladaad saameeya. Ololuha Trump isaga hadalkiisa ayaa galaaftay oo mar walba keenayey is burin - ugu dambayntiina wax uu eeday. Toddobaadkii ka horreeyay maalinta doorashada, ololaha Biden wuxuu soo bandhigay xayeysiisyadiisii ​​ugu dambeeyay ee telefishanka oo leh farriin aad u la mid ah tii lagu soo bandhigay ololihiisii ​​kal hore, iyo khudbaddiisa magacaabista bishii Ogosto. Doorashadani waa ""loolan loogu jiro ruuxda Mareykanka"", ayuu yidhi, waxayna fursad u tahay muwaadinku inuu saxo wax uu ku sifeeyay kala qaybsanaanta iyo fowdadii afartii sano ee la soo dhaafay. Halkudheggaas ayaa qeexayey xisaab fudud. Biden wuxuu nasiibkiisa siyaasadeed ku sharraxay in Trump uu yahay mid aad u jahawareersan oo aad u xanaaq badan, iyo waxa dadka Mareykanka ay rabeen oo ahaa deggenaan, hoggaan leh astaamo hoggaamineed oo isugu muujiyey. ""Waxaan kaliya ka daalay aaminadaha Trump ka shaqsi ahaan,"" ayuu yidhi Thierry Adams, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Faransiiska oo 18 sano ka dib markii uu ku noolaa Florida codkiisii ugu horreeyay ka dhiibtay doorashadii madaxweynenimada ee ka dhacday Miami todobaadkii hore. Dimuqraadiyiintu waxay ku guuleysteen inay doorashadan ka dhigaan afti loo qaado Trump, ee ma ahayn doorasho oo u dhexeysa labo murashax. Farriinta guusha ee Biden waxay ahayd mid fudud oo ahayd inuusan ""la mid ahayn Trump"". Aragtida guud ee Dimuqraadiyeyaashu waxay ahayd in guushii Biden ay ka dhigan tahay in dadka reer Ameerika ay noolaan doonaan toddobaadyo aysan ka fikirayn halka siyaasaddu janjeedhsan doonto. Waxaa loola jeeday weedhaas kaftan, laakiin waxay ka kooban tahay walxo run ah Intii lagu guda jiray ololaha inuu noqdo musharraxa Dimuqraadiga, tartanka Biden wuxuu ka yimid bidixdiisa, iyadoo Bernie Sanders iyo Elizabeth Warren ay si wanaagsan u maalgeliyeen isla markaana abaabuleen ololeyaal dhaliyey oo isu keenay dadweyne aad u tiro badan. In kasta oo cadaadiskani ka yimid garabkiisa xorta ah, Biden wuxuu ku dheggan yahay istiraatiijiyad dhexe, isaga oo diidaya inuu dib u taageero daryeelka guud ee ay maamusho dowladda, waxbarashada kuleejka bilaashka ah, ama canshuurta hantida. Tani waxay u oggolaatay inuu sare u qaado codsigiisa dadka dhexdhexaadka ah iyo kuwa aan jeclayn Jamhuuriga inta lagu jiray ololaha guud ee doorashada. Istaraatiijiyaddan ayaa ka muuqatay doorashadii Biden ee Kamala Harris inuu noqoto ku-xigeenkiisa halkii uu dooran lahaa qof taageero xoog leh ka heysta garabka bidix ee xisbiga. Meesha kaliya ee Biden ugu soo dhowaaday Sanders iyo Warren waxay ahayd deegaanka iyo isbeddalka cimilada, waxaana qodobbadaasi ka mid ahaayeen kuwii u soo jiiday dhallin farabadani inay u codeeyaan. Horaantii sanadkaan, qasnadaha ololaha Biden waxay ku socdeen faaruq. Wuxuu ku soo galay ololihii guud ee doorashada isaga oo go'aansaday khasaare, Trump, oo inta badan ahaa madaxweynenimadiisa oo dhan mid uruurinayey kharashkii u ku dagaal geli lahaa ee ololaha oo ku dhowaad bilyan doolar ahaa. Laga soo bilaabo bishii Abriil wixii ka dambeeyay, si kastaba ha noqotee, ololihii Biden wuxuu isu beddelay awood lacag-ururin ah, Bilowgii Oktoobar, ololaha Biden wuxuu haystay $ 144m lacag ka badan taas oo ka badnayd intii gacanta lagu hayey ee trump, waxayna u oggolaanaysay inay lacagtaasi ka baajiso mawjado xayaysiis ah oo Jamhuuriga ka iman lahaa kuwaas oo harqin laha gobollada muhiimka ah. Lacagtu wax walba kama ay caawin, dabcan. Afar sano ka hor, ololihii Clinton wuxuu haystay hoggaan lacageed oo baaxad leh oo ka badnaa Trump. Laakiin 2020, markii olole shaqsiyeed ay joojiyeen coronavirus oo dadka Mareykanka ee ku nool dalka oo dhan ay waqti badan ku qaateen warbaahinta guryahooda, Faa'iidada lacagta ee Biden waxay u ogolaatay inuu gaadho codbixiyeyaasha isla markaana gaadhsiiyo farriintiisa ilaa dhamaadka. Lacagtu waxay siisaa xulashooyin kala duwan kooxda ololaha - Bidenna wuxuu si wanaagsan uga faa'iideystay isticmaalkeedii." https://www.bbc.com/somali/war-54861809 +business Clubhouse ma u qalmaa in lagu qiimeeyo $4 bilyan oo doolar in uu gaarayo? "App-ka codadka tooska lagu wadaago ee Clubhouse waxaa ka abuurmay sheekooyin la xiriira barnaamijkaas oo aad u badan. Elon Musk, Oprah Winfrey, Kanye West, Demi Lovato iyo Mark Zuckerberg, waxay ka mid yihiin dadka caanka ah ee aadka ula dhacsan isticmaalka adegga App-kan uu bixiyo. Waxaa barnaamijka Clubhouse si fudud looga helayaa arrima badan oo laga billaabo Bitcoin ilaa iyo xiriirka dadka dhex mara iyo muusikada R&B. Haddaba App-ka hal sana jirsaday in $4 Balyan oo doolar lagu qiimeeyo ayaa noqday wax lala yaabo. Warbixin ka soo baxday Bloomberg waxay sheegeysaa App-kan, oo aasaaskiisa uu ka soo jeedo San Francisco, uu raadinayo dhaqaale cusub oo heerkale ah. Balse bishii Jannaayo sanduuqa maalgashiga ee Andreessen Horowitz wuxuu shirkadda ka iibsaday saami u dhigma qiimaha lacagta ee Clubhouse uu shaqeeyay afartii bilood ee ugu horeysay sannadkan. Sare u kaca dhaqaale ee shirkaddan ayaa loo maleeynayaa inay uga wacan tahay in marki ay soo baxday warbixin ku saabsan in Twitter ay ka wada hadleen Clubhouse in qiimo sare ku iibsato, inkasta oo ay diidday arrintaa inay xaqiijiso, marki la weydiiyey. Shirkadda cilmi baarista sameysa ee Annie, waxay sheegtay in Clubhouse ilaa iyo dabayaaqadii bishii March ayy isticmaalayeen ku dhawaad 13.4 malyan oo qof, waxayna intaa ku dartay in shan meelood meel ka mid ah dadkaasina ay ku soo biireen afarti toddobaad ee ugu dambeysay oo keli ah. Marka la soo koobo, in App-kan dhaqaalahiisa uu sare u kaco waxaa sabab u ah 'casuumaadda keli' ee qof kasta u baahan yahay si uu barnaamijkan u isticmaalo, iyada oo uu App-kan uu ka faa'ideystay daldaloolla suuqa ka jiray. ""Wuxuu kulansaday arrimo badan sida codka, tabinta tooska ah iyo bulshadaba,"" ayuu yiri Joseph Evans oo ka socda hay'adda Enders oo falanqeysa arrimaha teknolojiyadda. ""Wuxuu adeegsanayaa waxyaabo aan wakhti xaadirkan si caadi ah loo sameyn karin sababo la xiriira cudurka safmarka ee Korona awgii, sida in ay dadka wadahadallo yeeshaan ama koox ahaan wadahadallo u yeesheen."" Hadda, App-ka Clubhouse lacag ma sameynin. Balse taasi muhiimad badan malaha. Barta Instagram oo keli ah ayaa buuxiysay waxyaabihii looga baahnaa maadaamaa ay doonayeen in ay iibsadaan Facebook iyo Twitter. Balse hadda uma badna in ay taasi dhacdo. ""Dhowr sano ka hor, Facebook waxay miiska soo saartay dalab ay ku dooneysay Clubhouse,"" ayuu yiri Mr Evans. ""Laakiin ma aha mid suuqa baraha bulshada kale ku jirtay sababta oo ah Facebook waa inay tartan diyaar u noqotaa taa oo ah waddada keli ah ee u furan."" Facebook dhankeeda waxay billaawday barnaamij cusub oo ay ugu magac dartay Hotline, barnaamijkaasi oo dadka isticmaala u oggolaanaya inay cod ahaan ama qoraal ahaan ku wada sheekeystaan. Twitter wuxuu durbadiba billaabay adeeg cusub oo cod ah oo App-kiisa gudahiisa ka shaqeynaya. Waxaa lagu wadaa in marka hore aasaasayaasha la xusho, balse qorshaha wuxuu yahay in adeeggaas cid walba loo oggolaado dabayaaqada bishan. App-ka lagu wada sheekeysto ee Telegram wuxuu sannadki hore billaabay adeegga codka, waxayna dib u habeyn ku sameeyeen bishii March si ay ugu ekeysiiyaan hal-abuurka aadka loola dhacay Clubhouse. Shirkadaha waaweyn ee Slack iyo LinkedIn waxay ka mid yihiin shirkadaha ka shaqeynaya sidi ay iyaguna fikirkaas u meel marin lahaayeen. Dhowrka barnaamij ee aan soo sheegnay, waxay leeyihiin macamiil ka badan Clubhouse maadaamaa ay kaga wanaagsan yihiin habka isticmaalka telefoonnada gacanta ee Android iyo Koombiyuutarrada. Clubhouse maadaama ay ku wada hadlaan dhinacyo iska soo horjeeda, durbadiba waxaa soo baxay hadal hayn la xiriirta arrimo ku saabsan in dumarka ay kufsiga ku been abuurtaan; cunsuriyadda oo ay ka hadlaan dadka doonaya in ay muujiyaan fikradahooda xagjirka ah taasina ay sababta in dhaawacdo ay gudbiyaan dadka arrimahan u ololeynayey. Siyaasiyiinta Mareykanka waxay ku hanjabayaan in ay meesha ka saarayaan shuruucda lagu ilaalinayo baraha bulshada, sida Xeerka 230, ka dib markii ay ku eedeeyaan eex iyo u oggolaanshaha waxyaabaha dhibaatada leh in ay sii baahiyaan. Khatarta kale waxay tahay in laga yaabo in Clubhouse ay sii haysan karin macaamiisha hadda uu helay sababo la xiriira isticmaalka oo yara adag. ""Clubhouse waxay fududeysay in dadku ay ka hadlaan mowduuc kasta oo ay doonayaan, balse dhab ahaan isla mowduucii ama doodii aad aasaastay ayaa mararka qaar kugu adkaan karta in aay isticmaasho,"" ayey tiri Sharon O-Dea oo ah ka tirsan shirkad dhinaca teknolojiyadda la taliso ee fadhigeedu yahay Amsterdam. Qaababka horay loo garanayay ee baraha bulshada lacagta looga helo waa xayasiinta. Balse waxaa taasi adkeyneysa barnaamijyada codadka oo keli ah isticmaala sida lacag looga sameyn karo. Patreon, oo adeeggeeda billow uu yahay, ayaa durbadibba qaabkan ganacsi ka sameeysay, wareeggi ugu dambeeyey ee maalgashiga shirkaddaasina waxaa lagu qiimeeyey $4 balyan oo doolar. Sidoo kale Clubhouse waxay hirgelisay barnaamij macamiisheeda u suuragelinaya in lacagaha ay isugu diraan, balse lacagta faa'idada adeegaasi laga sameeya 100% waxay u xarooneysaa aasasaha oo qofka isticmaalaya faa'idada qayb kama helayo." https://www.bbc.com/somali/war-56687600 +politics Mareykanka oo caleema saarka kaddib ka digay khatar argagixiso "Madaxda ammaanka dalka Mareykanka ayaa ka digay khatar sare oo argagixiso gudaha ah, taas oo laga filan karo dadka aan ku faraxsaneyn natiijada doorashadii November. Waaxda Ammaanka Gudaha ayaa sheegay in weerarkii ay taageerayaasha Trump 6-dii January ku qaadeen US Capitol uu sababi karo inay soo baxaan xagjiriin. Waxay ka digtay khatar ka imaan karta dadka ka careysan howlaha dowladda. Balse waxay intaas ku dartay inaan la ogeyn hadduu jiro qorshe gaar ah oo abaabulan. Weerarkii US Capitol ayaa ku soo beegmay xilli Kongareeska ay kulan lahaayeen si ay u ansixiyaan guushii doorashada ee Joe Biden. Madaxweynihii markaas xilka ka sii degayay Donald Trump ayaa wax yar kahor taageerayaashiisa khudbad ugu jeediyay bannaanka Aqalka Cad wuxuuna ku cel celiyay sheegashooyin aan caddeymo loo heyn oo ah in doorashada lagu shubtay. Wuxuu ku yiri: ""Haddii aadan si adag u dagaallamin ma sii heysan doontaan dal."" Kaddib koox ayaa u dhaqaaqday Capitol, iyagoo xoog ku galay dhismaha. Shan qof, oo uu ku jiray sarkaal booliiska Capitol ka tirsanaa, ayaa ku dhintay weerarka. Mr Trump waxaa xil ka qaadis ka gudbiyay Aqalka Wakiillada sababo la xiriira inuu kicin sameeyay, waxaana lagu wadaa in dacwad ku soo oogiddiisa ay Aqalka Sare ka bilaabato bisha soo socota. Talo bixinta shalay ayaa lagu sheegay in waaxda ay rumeysan tahay in khatar sare ay jiri karto toddobaadyada ka dambeeya caleema saarkii sida fiican u dhacay. Waxaa intaas lagu daray in koox xagjiriin ah laga yaabo inay beegsadaan saraakiisha la doortay iyo xarumaha dowladda. Waa digniintii ugu horreysay ee ay waaxdu soo saarto muddo sanad ah. Weerarkii Capitol ayaa ka fajaciyay dalkaas iyadoo si degdeg ah loo soo qabtay dadkii ku lugta lahaa. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay inay aqoonsadeen ilaa 400 oo qof oo laga shakisan yahay isla markaana ay soo xireen 135 qof oo lala xiriirinayo weerarkaas. Iyadoo ay dowladdu uga digeyso dadka Ameerikaanka ah inay ka feejignaadaan weerar ka imaan kara xagjiriin gudaha dalkaas ka soo baxa, haddana dad badan ayaa kooxdii weerartay US Capitol u aqoonsan inay yihiin ""waddaniyiin"" ay tahay in la maamuuso. Barta baraha bulshada ee Telegram, oo kooxo badan oo garabka midig ah ay u wareegeen tan iyo intii laga mamnuucay Twitter iyo Facebook, kooxdii weerartay Capitol ayaa looga aqoonsaday dagaal yahannada xornimada iyo geesiyaal. Kooxahaas ayaa ka hadla arrimo xagjirnimo ay ka muuqato, lamana kala garanayo in qoraallada qaar ay soo dhigaan shakhsiyaad ama mashiinno. Qoraallo badan ayaa waxaa soo dhiga dadka sida dhabta ah u aaminsan Donald Trump kuwaas oo qaba inay tahay inuu weli sii noqdo madaxweynaha Mareykanka." https://www.bbc.com/somali/war-55836984 +entertainment Sidey Riya Chakraborty ku gashay nolosha atoorihii isdilay? Atariishada caanka ah ee lagu magacaabo Riya Chakraborty wararka caalamka lagu hadal hayay tan iyo markii uu geeriyooday jilaagii reer Hindiya ee la odhan jiray Sushant Singh Rajput. Sushant iyo Riya labadoodaba waa la isku arki jiray marar badan iyagoo wada jooga. Ha ahaato xaflad, Gym-ka bannaankiisa ama makhaayad. Hase yeeshee, labadooda midna waligiis ma uusan sharrixin nooca uu yahay xiriirkooda iyo inuu xiriir jacayl ka dhaxeeyo. Aabbaha dhalay Sushant Singh Rajput, ayaa dhawaanahanba sheegayay hadallo ka dhan ah Riya Chakraborty. Dadka qaar xitaa waxay su'aalo iska weydiinayeen xiriirka ka dhaxeeyo geeridiisa iyo atariishada, halka kuwo kalena ay hadal hayeen inay labada jilaa isguursan rabeen. Laakiin hal bil kaddib dhimashadii Sushant, Riya Chakraborty ayaa markii ugu horreysay si toos ah uga hadashay arrimahan, waxayna soo afjartay aamusnaanteedii jahwareerka dhalineysay. Waxay baraha bulshada soo dhigtay qoraal ay ku sheegeyso inay ahayd gacalisadii Sushant. Riya waxay sidoo kale arrintan ku sheegtay wareysi ay la yeesheen booliska, kuwaasoo ay u xaqiijisay in iyada iyo atoorihii geeriyooday ay xiriir jacayl lahaayeen. KK Singh Rajput, oo dhalay atooraha dhintay, ayaa booliska degmada Patna ka diiwaan galiyay dacwad ka dhan ah atariishada. Riya Chakraborty waxay 1-dii bishii July ee sanadkii 1992-kii ku dhalatay magaalada Bengaluru ee gobolka Karnataka. Waxay kasoo jeeddaa qoys Bengali ah. Riya waxay waxbarashadeeda aasaasiga ah ku qaadatay iskuul ay milatariga leeyihiin oo ku yaalla Ambala. Xirfaddeeda jilaanimo waxay soo billowday sanadkii 2009-kii, markaasoo ay jishay musalsal laga sii deyn jiray telefishinka MTV, laguna magacaabo Teen Deeva. Kuma aysan guuleysanin inay noqoto atariishada ugu fiican ee filimkaas, laakiin waxay gashay kaalinta labaad. Kaddib waxay kasoo muuqatay dhowr musalsal oo ka baxay MTV, sida MTV What's Up, Tick Talk College Beat iyo MTV Gone in 60. Muddo markii ay ka shaqeyneysay filimada yar yar, waxay u gudubtay jilitaanka filimada lagu dhigo Koonfurta Hindiya. Sanadkii 2012-kii, waxay heshay fursad ay uga qeyb qaadato filim ku baxayay luuqadda Telugu, oo lagu magacaabo Tuneega Tuneega. Sanadkii 2013-kiina waxay markii ugu horreysay soo jishay filim ay leedahay shirkadda Bollywood-ka, oo la yiraahdo 'Mere Dad Ki Maruti'. Atooraha lagu magacaabo Saqib Salim ayey Riya lasoo dhigtay filimkan. Sanadkii 2014-kiina, Riya waxay la shaqeysay Ali Fazal, oo ay ku wada jireen filimka Sonali Cable. Dhowr filim oo kale ayey kasoo muuqatay ka hor inta aysan la kulmin Sushant. Riya Chakraborty iyo Sushant Singh Rajput waxaa markii ugu horreysay iyagoo wadajir ah lagu arkay filim uu hagay Rumi Jaffery. Filimkan magiciisa ilaa hadda lama sheegin. Waxaa la aaminsan yahay in Riya ay Sushant kula kulantay xaflad. Intaas wixii ka dambeeyay waxay isla aadi jireen hal gym. 14-kii bishii June, Sushant Singh Rajput ayaa meydkiisa laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Mumbai. Booliska ayaa sheegay in atooraha uu isdilay, balse ay baaritaan ku hayaan sababta ka dambeysay. Booliska Mumbai waxay sidoo kale su'aalo weydiiyeen Riya Chakraborty. Inta badan taageerayaasha Sushant waxay Riya ku eedeynayaan inay jacayl uga baxday atooraha. Hase yeeshee atariishadan ayaa beenisay eedeymahaas. https://www.bbc.com/somali/war-53566852 +politics Awoodda ciidan ee Ruushka iyo Shiinaha: Muxuu Mareykanka shirkadahan militari ugu daray diiwaanka madow? "Mareykanka ayaa xayiraado wax dhoofinta ah dul dhigay in ka badan 100 shirkadi isugu jira Shiiness iyo kuwo Ruush ah oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin milatariga. Dadka Mareykanka ah ee wax dhoofiya ayaa laga doonayaa inay helaan leysin kahor inta aysan alaabo u dirin shirkadaha ku jira Diiwaanka-madow. Liiska waxaa ku jira shirkado waaweyn oo kuwa hawada Shiinaha ah iyo sidoo kale waaxda sirdoonka dibadda ee Ruushka. Waxay tallaabadan qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo uu Donald Trump ku doonayo inuu ku joogteeyo cadaadiska uu saaray Shiinaha kahor inta uusan banneyn xafiiska. Xiisadaha u dhaxeeya Washington iyo Beijing ayaa xoogeystay sanadkii la soo dhaafay iyagoo isku qabtay arrimo dhowr ah oo xasaasi ah. Madaxweyne Trump ayaa Shiinaha ku eedeeyay xanuunka safmarka ah ee coronavirus, halka maamulkiisana uu cambaareyn la daba kacay sharciga cusub ee ammaanka qaranka ah kaas oo lagu soo rogay Hong Kong. Marka laga soo tago shirkadaha laga yaabo inay xiriir la leeyihiin militariga, dowladda Mareykanka ayaa xayiraado cusub saartay shirkadaha teknolojiyadda Shiinaha. Jimcihii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa dhowr shirkado Shiinaha laga leeyahay ku daray liis madow ee ganacsiga, waxaana ka mid ah shirkadda ugu weyn Shiinaha ee sameysa kaarraka telefoonnada, SMIC, iyo shirkadda Shiinaha ee sameysa miigagga, DJI. Horraantii bishan, Gudiga Federaalka ee Xiriirka (FCC) ayaa sidoo kale ku amray shirkadaha isgaarsiinta Mareykanka inay meesha ka saraan qalabka ay sameysay shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei. Liiska cusub wuxuu ""wakiil ka yahay khatarta aan la aqbali karin ee isticmaalka ama ka weecinta"" iyadoo dano militari loogu isticmaalayo Shiinaha, Ruushka ama Venezuela. ""Waaxdu waxay garwaaqsan tahay muhiimadda ay leedahay iskaashiyada ay la leedahay Mareykanka iyo shirkadaha dunida si looga hortago dadaallada ay Shiinaha iyo Ruushka ugu jiraan in teknolojiyadda Mareykanka ay u weeciyaan mid wiiqeysa barnaamijyadooda militariga,"" ayuu warsaxaafadeed ku yiri, Xogahayaha Dhaqaalaha, Wilbur Ross. Liiskii hore waxaa ku jira 103 shirkado, balse guddi isku dhaf ah ayaa ku dari kara ama ka saari kara shirkadaha. Shiinaha ayaa dhowaan soo saartay shuruuc cusub oo u gaar ah oo adag kuwaas oo xaddidaya dhoofinta ""waxyaabaha la xakameeyo"". Shurucda ayaa marki hore diiradda lagu saarayay dhoofinta teknolojitadda milatariga iyo wax soosaar kale oo wax u dhimi kara ammaanka qaranka ee Shiinaha. Mareykanka iyo Shiinaha waxaa u dhaxeeyay dagaal ganacsi tan iyo sanadkii 2018 iyagoo canshuuro ku soo rogay badeceooyin badan oo la soo dhoofiyo." https://www.bbc.com/somali/war-55421742 +sports Maxaad ka taqaanaa xayawaanada qeybta ka ah koobka Afrika ee AFCON? "Koobka kubbadda cagta Afrika ayaa ka soconaya dalka Masar, waxaana ka qeybgalaya 24 dal, dhammaantoodna waxa ay leeyihiin astaamo kala duwan oo durba lagu kala garan karo iyo magacyo naanays ah. Naanaysta waa arrin muhiim u ah dadka Afrikaanka ah, gaar ahaan kubbadda cagta dadka ku hawlan, mana ahan oo kaliya in dadka taageerayaasha ah ay ku aqoonsanayaan, ee sidoo kale waxa ay dhiirogalin u tahay ciyaartooyda laftooda. Muddo 3 todobaad ah, haadkan waxa uu si cad uga dhex muuqan doonaa ciyaaraha ka socda Masar, waxaa magacan loo yaqaanaa xulka qaranka Nigeria. Waxa ay magacan ka keeneen astaanta ciidanka oo uu xayawaankani ku sawiranyahay. Sidoo kale kooxda Tunisa ayaa loo yaqaanaa gorgor, waxayna arrinta la xiriirtaa ilbaxnimo hore oo uu dalkaas soo maray, taas oo astaan ka dhigatay noolahan. Hana hilmaamin Gorgorada Maali. Kooxda dalka Uganda ayaa waxaa loo yaqaanaa Cranes, oo la micno faanta maroodiga. Xayawaanada kale sida libaaxa, maska iyo shabeelka dhammaan waxa ay astaamo u yihiin xulalka Afrikaanka ah. Xushmadda loo hayo dadka xukunka haya waa dhaqanka Afrikaanku leeyihiin, mana ahan wax la yaab leh in kooxaha qaar loogu magac daray. Kooxda Masar oo 7 jeer qaadday koobkan ayaa waxaa loogu magacdaray boqorada Afrika, waana magac ku habboon maadaamaa Fircoon dalkaas kasoo jeedo. Kooxda faraaciyiinta waxa ay isku koox ka dheelayaan Halyeeyada Zimbabwe. Balse Kenya iyo Ghana iyaga magacyada meelo kale ayay kasoo hindiseen, kooxda Kenya waxaa lagu magacaabaa Harambee Stars, oo loola jeedo ""Wadajir wax u wada qabsi"". Kooxda Ghana waxaa loo yaqaanaa The Black Stars ama xidigaha Madmadoow, taas oo ka dhigan xiddigaha ku yaala calanka dalkaas. Taageerayaasha kubbadda cagta Afrika ayaa sugaya dhammaadka tartanka oo ku beegan 19-ka July si ay u ogaadeen xulka qaadi doono koobka iyo magaca xayawaanka ee uu wato xulkaas." https://www.bbc.com/somali/war-48754450 +sports Nin cunsuriyeeyey ciyaartooy u dheela Manchaster United oo xabsi loo taxaabay "Ninkan aan magaciisa la shaacin ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib marki uu shey uu ku dhuftay ciyaartooyga Fred ee khadka dhexe uga ciyaaro Manchester United xilli uu Sabtidi ka qayb galayey ciyaar kulul oo dhex mareysay Manchester United iyo Manchester City. Booliskana waxay sheegeen iney heleen xog ku saabsan inuu ninkan la xiray uu cunsuriyeeyey ciyaartooygaasi isaga oo calaamad cunsurinimo muujineyso tusiyey. Manchester City waxay sheegtay iney booliska si dhow ugala shaqeynayaan kiiskan ""wxaana ciyaartooygannada oo ku gudajira ciyaar muhiim ah lagu soo tuuray shey laguna dhuftay"". Ninkan ay booliska xireen ayaa loo haystaa inuu ku xadgudbay nidaamka kala dambeynta dalka u yaallay. Wuxuuna falka cunsuriyeynta Fred lagu sameeyey ciyaar ka socotay garoonka city ee Etixaad. Madaxa United Ole Gunnar Solskjaer wuxuu sheegay: ""Fred iyo Jesse (Lingard) iney koorna ku sugnaayeen. Fred wuxuu soo laagayey koorna, kaddib muuqaalka waxaa ila wadaagay ciyaartoyda kale."" Wuxuuna intaa ku daray dhaqanka uu la yimid mid ka mid ah taageerayaasha ciyaartaasi u soo daawasha tagay oo ay kaamerada qabatay ""ma aha mid la aqbali karo"". ""Kooxda City waxaa ka dhammaaday dulqaadki ku aaddanaa faquuqa iyo cunsuriyeynta noocey doontaba ha ahaatee lagula kaco ciyaartooydeeda, ciddi lagu helo falkaasi iney geysatayna noolashiisa inta ka dhimanna laga mamnuucaya kooxda"" Muuqaalka lagu cunsuriyeeyey ciyaartoyga iyo astaanka cunsurinimada ee loo muujiyey marki baraha bulshada laga dawado ayay arrintu cirka isku sii shareertay. Hay'adaha sharciga ee ay quseeysana waxay sheegeen iney arrintan baaritaan qoto dheer ku sameeynayaan ciddi lagu helo iney dambigaasi geysatayna sharciga la marinayo maadaamaa ay arrimahan yihiin kuwa marar badan soo noqnqoday. Xiriirka kubadda cagta ee FA wuxuu sheegay inuu dhacdadad uu baarayo ""Marna aan loo dulqaadan doonin takoor noocuu doonaba ha ahaadee"". Raheem Sterling ayaa wuxuu isna ka mid yahay ciyaartoyda la kulantay cunsuriyeynta xilli ay socdeen ciyaaraha Euro 2020. Fred oo dhacdadi Sabtida ka hadlay wuxuu sheegay ""Inaan weli nahay bulsho weli dib dhacsan""." https://www.bbc.com/somali/war-50708205 +sports Isreebreebka Koobka Adduunka: Macallinka darawalnimada ee taariikhda la sameynaya xulka qaranka Soomaaliya "Difaaca xulka qaranka Soomaaliya, oo macallin darawalnimada dadka bara ka ah magaalada Manchester Maxamuud Cali wuxuu ka qeyb qaatay mid ka mid ah guulihii taariikhiga ahaa ee ugu weynaa kubadda cagta caalamiga ah. Macallin kasta oo dhinaca darawalnimada ah ma sheegan karo inuu qeyb ka noqday taariikh lama illoobaan ah oo dhinaca kubadda cagta adduunka ah. Laakiin Maxamuud Cali, oo sidoo kale ka tirsan kooxda Curzon Ashton ee dalka Ingiriiska waxay arrinta sidaas u weyn qeyb ka ahayd shaqadii uu ku qabtay hal isbuuc gudihiis. Habeen walba oo ka mid ah isbuucii dhammaaday isku mid uma ahayn Maxamuud. Khamiistii ma aysan u ahayn habeen caadi ah xulka qaranka Soomaaliya, maadaama ay darajada kala horreynta liiska kubadda cagta adduunka ee Fifa ka galeen booska 202-aad, halkii ay markii hore ka ahaayeen booska 211-aad. Taasi waxay timid markii ay taariikh baal dahab ah gashay ka sameeyeen isreebreebka koobka adduunka, heerkiisa koowaad. Gool xamaasad weyn abuuray oo la dhaliyay daqiiqaddii 86-aad ayaa sababay in kooxda lagu naaneyso Xiddigaha badweynta(Ocean Stars) ay sameeyaan dabaaldag aysan noociisa waligood horay u sameynin. Xulka qaranka Zimbabwe oo 90 darajo uga sarreeya liista Fifa ayey ku garaaceen 1-0, ka dib markii ay la ciyaareen lugtii hore ee isreebreebka, oo ka dhcday dalka Jabuuti. Maxamuud Cali, oo ka ciyaara tartanka National League North ee dalka Ingiriiska ayaa waxa uu leeyahay Iskuul lagu barto wadista baabuurta oo ku yaalla magaalada Manchester. Wuxuu difaaca dhexe ee dambe kooxda uga ciyaarayay guud ahaan waqtigii ay socotay ciyaartaas. Walaalkiis oo lagu magacaabo Axmed ayaa isagana ahaa kabtanka kooxda, wuxuuna ahaa ninkii dhiibay sababtana u ahaa kubaddii shabaqa la dhex dhigay ee goolka guusha noqotay. Muxuu Maxamuud ku yiri ardaydii uu barayay darawalnimada? ""Waxaan u sheegay ardaydeyda inaan kasoo qeyb galayo ciyaar caalami ah oo ka tirsan kubadda cagta, dabcan waxay rabeen inaan usii wado cashirrada ku saabsan darawalnimada, laakiin dhammaantood way la dhacsanaayeen howsha aan u socdo anigana waxaan u xaqiijiyay inaan si dhaqso ah ugu soo laaban doono"", ayuu yiri Maxamuud, oo 25 jir ah. ""Taageeradu waxay ahayd cajiib. Waxaa aad naloogu hadal hayay Twitter-ka adduunka oo dhan ka dib markii ay ciyaartu dhammaatay. Waxay ahayd guul aad u weyn sababtoo ah Zimbabwe waa kooxda ugu sarreysa dhinaca liiska Fifa ee ka qeyb qaadaneysa isreebreebka heerkan ah, annaguna waxaan nahay kooxda ugu hooseysa liista kooxaha ku hardamaya heerkan. ""Ma jirin cid fileysay inaan guuleysan doonno, haddii aan ka gudubno guruubyadana waxay noqon doontaa guul aan la rumeysan karin marnaba. Laakiin haddaba taariikhda waan sii galnay"". Markii ay xulka Soomaaliya garoonka galayeen maqribnimadii Khamiista, Soomaaliya ma aysan kusoo guuleysanin ciyaar ka tirsan isreebreebka koobka adduunka muddo 35 sano ah. Xitaa uma aysan suurta galin inay guul ka gaaraan ciyaar nooc kasta ah tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2009-kii. Maadaama ay 27 ciyaar oo isku xigta guul darro kala soo kulmeen tan iyo markii ay guul 1-0 ah kasoo hoyiyeen xulka Tanzania iyo waliba guul darro 6-0 ah oo ay kala kulmeen kooxda Niger, ciyaar ka tirsaneyd isla tartanka heerka isreebreebka Koobka Adduunka, ma jirin wax rajo ah oo laga qabay inay taariikh noocan ah dhici doonto sanadkan 2019-ka. Waliba waxaa taas sii dheereyd in Zimbabwe ay ka mid tahay kooxaha aan lagu tashanin, waxayna qeyb ka ahaayeen tartankii xiisaha badnaa ee Qaramada Afrika, oo sanadkan lagu qabtay dalka Masar. Maxamuud Cali wuxuu sheegay in natiijadan ay ku timid dadaal uu qof walba dhankiisa ka sameeyay. Difaaca ayaa yiri: ""Waxay ahayd xaalad dareenka kicineysa, oo waliba aad u kicineysa, annagoo og in malaayiin qof ay naga daawanayaan meel kasta oo ka mid ah caalamka, walaalkey wuxuu baasay kubaddii goolka lagu dhaliyay, waxaana helnay fursad aan aniga iyo asaga laabta isku galinno garoonka dhexdiisa"". ""Waalidiinteenna waxay ku dhasheen Soomaaliya, waxayna aad ugu farxeen inaan waddanka hooyo gaarsiinnay heerkaas. Waxaan rabnaa inaan taariikh kale lasii sameyno xulka Qaranka""." https://www.bbc.com/somali/war-49627784 +technology Dad loo xiray fadhiga Suuli dahab ka samaysnaa oo la xaday laba sano ka hor "Rag tuugo ah ayaa fadhiga suuliga ee lagu fariisto oo 18-carat ah ka xaday qasriga Blenheim ee Ingiriiska ku yaal. Sida ay booliisku sheegeen rag budhcad ah ayaa u dhacay qasriga Oxfordshire markay saacaddu ahayd bishii September 14, 2019-kii. Waxayna xadeen waxyaabihii ku xardhanaa suuligaas oo fadhigii uu ka mid yahay. Dahabka musqushaas waxaa lagu qiyaasay $6 milyan oo dollar (£4.8m). Shirkadda ceymiska ee ilaalineysay ayaa ballanqaaday in $140,000 ay siineyso qofkii keena macluumaadka dahabkaas la xaday. Laba sano ka dib, illaa iyo hadda waxaa la xiray toddobo qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug-lahaayeen xatooyadaas. Fadhigaas suuliga, waxaa inta badan lagu soo dhawayn jiray dadka martida ah. Ragga budhcadda ahi waxay gaysteen ""waxyeello aad u weyn iyo in gurigii ay biyo ku fatahaan"" waayo suuligu wuxuu ku xidhiidhsanaa dhammaan tuubooyinka guriga. Musqusha oo ahayd mid si gaar ah loo lahaa, waxay qeyb ka ahayd bandhig uu sameeyay farshaxaniistaha Taliyaaniga u dhashay ee Maurizio Cattelan, waxaana halkaas lagu rakibay laba maalmood ka hor intii aan la xadin. Shirkadda ceymiska ee FASA, waxay sheegtay weli la raadinayo fadhigaas musqusha ee dahabka ahaa, in kastoo la xiray kuwa looga shakisan yahay. ""Ma jiro qof soo dalbaday lacagta abaalmarinta ah... Waxaa markii hore sameynay baaritaanno badan, balse hadda wax kasta waa iska aamusan yihiin,"" ayuu yiri Agaasimaha Shirkadda Philip Austin. Guriga weyn ee la dhisay qarnigii 18-aad ee fadhiga dahabka ah laga xaday, ayaa ah dhaxal taariikhi ah oo caalami ah waana halkii uu ku dhashay mudane Winston Churchill. Dadka martida ah ee bandhigyada halkaas u yimaada ayaa adeegsan jiray suuligan, ayadoo qof kasta uu la helaa saddex daqiiqo oo uu ku galo suuliga si dadku aanay saf dheer u gelin. Det Insp Jess Milne, ayaa yidhi: "" gabalkaan yare e la xaday waxa uu ku fadhiyey qiimo aad u badan kaas oo lagu soo dhawayn jiray martida timaadda qasriga. ""Waxaan rumaysannahay in koox dambiileyaal oo isticmaalayey ugu yaraan laba gaadhi ay falkan geysteen. Madaxa fulinta qasrigaas, Dominic Hare, ayaa sheegay in ay "" ka naxeen dhacdadaan aan caadiga ahayn, balse farxadgelisay in cidina aanay waxyeello soo gaarin""." https://www.bbc.com/somali/war-58565053 +politics Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya: Toddobo arrimood oo Soomaaliya ay kaga hadashay arrinta Kenya "Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo manta hadal ka jeediyay muqdisho ayaa sheegay in dowladda kenya ay ""cadow u tahay"" wuxuuna la barbar dhigay Jabhadda Xoreynta Tigray ee TPLF. Soomaaliya ayaa horraantii isbuucan Muqdisho ka soo dirtay safiirka Kenya, waxayna la baxday Safiirkeedii u fadhiyay Nairobi, Maxamed Axmed Tarsan. Haddaba waxaan halkan ku eegeynaa qodobbadii ugu muhiim sanaa ee wasiirka uu ka hadlay: Wasiir Cusmaan oo u muuqday in uu ka jawaabayay warsaxaafadeed xalay ay soo saareen midowga musharrixiinta mucaaradka ee u tartamaya xilka madaxweynaha, ayaa sheegay in ""mararka qaar ay dhacdo in danta shisheeyaha laga hor mariyo midda qaranka"". Warqadda musharrixiinta ayaa lagu sheegay in Golaha ay ku mideysan yihiin ""u arko olole doorasho in xukuumadda ay hoos u dhigto xiriirka Kenya"". ""Goluhu wuxuu madaxweynaha uga digayaa in uu siyaasadda arrimaha debedda dalka u adeegsado olole doorasho, neceyb iyo cadaawadna ka dhex abuuro labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya,"" ayaa lagu yiri warqadda. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa warkiisii manta ku yiri: ""Siyaasiyiinta macaaradka ku ah dowladda Soomaaliya waxaanu ugu baaqeynaa in ay ka waantoobaan in danta dalkooda ka hor mariyaan danta dal kale."" ""Xilku waa maalmo; xilku waa meerto; laakiin qarrannimadu waa wax wayn,"" ayuu hadalka ku daray. ""Annagu dowlad ahaan, dhexdhexaad kama nihin dowladnimada, iyo madaxbannaanida dalkeena. Ilaalinta dalka, diinta iyo dastuurka ayaanu u dhaaranay"", ayuu yiri. Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo jiitamayay tan iyo markii ay billaabatay dacwadda badda ee taalla maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taas oo ku saabsan muranka dhanka xuduudda badda. Wasiirka wuxuu yiri: ""Anagoo ixtiraameyna deris wanaagga iyo madaxbannaanida wadamada nala jaarka ah, haddana marnaba ma ogolaaneyno in lagu soo xadgudbo madaxbanaanida, qarannimada, iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya"". Wadashaqeyn la xiriirta diblumaasiyad, amni iyo ganacsi ayaa ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Wasiir Cusmaan wuxuu yiri ""Dowladda waxa ay dhowreysaa xeerarka caalamiga ah iyo wada noolaanshiyaha shucuubta caalamka."" ""Kenya waxayna u haynaa ixtiraam, qadarin, derisnimo iyo in aanu ahaano dan wadaag. Dhinacayagu markasta waanu dhowrnaa arrimahaa aasaasiga ah, Laakiin kenya kama muuqato dersi wanaag, waxaana ka muuqda damac daba socda riyo maalmeed aan munaasib ahayn iyo qarow ku dhisan dhalanteed oo ay ku hunguriyeyneyso dhulka iyo badda Soomaaliyeed,"" ayuu hadalka ku daray. Hadalkiisan ayaa u muuqday mid uu ku xoojinayo go'aankii dowladda Soomaaliya ee 29-kii Nofember ay ugu yeeratay safiirkeedii Nairobi, iyadoo midkii Kenya ee Muqdishana u soo dirtay wada tashi uu la yeesho dowladdiisa. War qoraal ah oo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay soo saartay ayaa lagu sheegan in dowladdooda aysan weli helin warqad rasmi ah oo cabashada Soomaaliya ku saabsan. ""Kenya lama soo gaarsiin xiriir hadal ama qoraal rasmi ah oo kaga yimid dowladda Soomaaliya, taas oo lagu codsanayo in safiirka Kenya ee Jamhuuriyadda Somaaliya uu ka baxo dalka si uu la tashiyo u soo sameeyo"". Kenya ayaa sheegtay in hadalka ay ka maqashay warbaahinta oo keli ah. ""Kenya waxay muujineysaa sida ay uga xuntahay tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya"". Balse, Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe wuxuu tilmaamay in ""Kenya ay in badan kala shaqeeyeen arrimaha amniga labada dal."" ""Waxaanu qaadanay falsafad ah, cadowga deriskaagu waa cadowgaaga. Laakiin Kenya waxa ay dooratay oo ay jeclaatay, sida rajiimkii Tigrayga ee faragelinta badnaa kaas oo halkii uu ku dambeeyay aynu maanta ka wada warqabno,"" ayuu yiri. Kenya ayaa beenisay in wax faragelin ah ay ku hayso Soomaaliya iyo doorashadeeda. ""Ficilkan wuxuu ku saleysan yahay warar aan waxba ka jirin"", ayey Kenya ku tiri qoraal ay soo saartay. ""Duullimaadyada caalamiga ah ee Kenya, inta badan waxay isticmaalaan hawadeena. Si hufan oo hagar la'aan ah baan ugala shaqeynaa isticmaalka hawadeenna. Laakiin dowladda Kenya waxay safarka ku dhibaan shacabka Soomaaliyeed ee gobollada ka safra oo ay ku qasbaan baaris dheeraad ah iyo in ay sandullo ku soo maraan Wajeer,"" ayuu yiri Wasiir Cusmaan. Balse arrintaa waxaa laga gaaray heshiis, bishii Nofember ee 2019-kii, waxaana markaa ka dib bilowday in diyaaradaha isaga kala goosha Soomaaliya iyo Kenya ay sameeyaan duullimaadyo toos ah. ""Ciidamada Kenya ee (KDF) waxay ka mid yihiin ciidamada nabad ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Ciidamadaas waxay ku joogan ogolaanshiyaha dowladda Soomaaliya iyo awood siinta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobeey,"" ayuu yiri wasiirka oo manta saxaafadda kula hadlay Muqdisho. ""Dhinacayagu, ciidamadaas, sida ciidamada kale ee AMISOM, waxaanu la leenahay wada shaqeyn buuxda laakiin dhinaca Kenya taasi kama jirto. ""Marar dhowr ah ayey KDF ka bexeen goobo lagu ogaa iyagoo aan kala tashan dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka saree e AMISOM,"" ayuu yiri Cusmaan Dubbe, balse Kenya weli kama aysan jawaanbin eedeyntaas. ""Haddii aan faafaahin idiinka siiyo: Waxay mar dhexdaas ah ka bexeen laba goobood oo aad iyo aad muhiim u ah oo kala ah Faafax-dhuun iyo Buusaar. Bixistaas talo la'aaneed, wuxuu dhib badan ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Gedo."" Khilaafkan cusub ayaa salka ku haya arrimo la xiriira Jubbaland iyo madaxweye Axmed Madoobe uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in ay Gobolka Gedo ka haysato maamulkiisa. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay ""afduubaneyso,"" doorashada soo socota ee guud ee lagu dooran doono xubnaha baarlamaanka. ""Xamar baan wada tagnay waxbaanu ku hadalnay, waxaa la yiri doorasho ha la qabto, sidaa ha loo qabto, maamul walba labo meelood ha lagu qabto, aan idin waydiiye maanta guddi baa la iga sugayaa waxaa laga hadlayaa inaan doorashadii qabanno, waxaa noo qoran labo caasimadood inaan ku qabano waa Kismayo iyo Garbahaareey, Jubaland maanta ma ka talisaa ma joogtaa jabhado iyo ciidan baa lagu sii daayay,""ayuu yir Axmed Madoobe. Dowladda Soomaaliya ayaa arrintaas Axmed Madoobe uu sheegay ku tilmaamtay ""mid laga soo abaabulay Kenya."" Wasiirka Warfaafinta wuxuu yiri: ""Kenya waxay faragelin joogto ah ku haysaa maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo ay madaxdiisa ku qasabto arrimo ka soo horjeeda oo ka dhan ah danta iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed."" Balse Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ku adkeysanayaan in arrinta Gedo ay heshiiskii Muqdisho qeyb ka ahayd: ""Doorashada aan qabaneyno waa in waxaan ku heshiinay ay dhacdo, waa sax doorashadaasi waxaan rabnaa inay wakhtigeedi ku dhacdo, dadka maamulka haya ee madaxda fedaraalka waa in wixii lagu heshiiyay ay fuliyaan,"" ayuu yiri. Xiriir dhanka ganacsiga ah oo in muddo ah soo jiray ayaa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeya. Wasiir Cusmaan Abuukar Dubbe wuxuu sheegay: ""Soomaaliya waxaa ka shaqeeya kumannaan muwaadin oo u dhashay Kenya oo si sharaf iyo karaamo leh uga shaqeeya dalkeenna. Waanu ilaalinaa, oo soo dhoweynaa, oo dhowrnaa."" Balse wuxuu dowladda Kenya ku eedeeyay in ay taa bedelkeeda ""martigeliso dad aan ka shaqeyneyn danta Soomaaliya."" Balse Kenya waxaa sidoo kale ku nool boqollaal kun oo Soomaali ah oo qaxooti ku ah xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma. Qaar kood ayaa ku dhashay xeryahaas, waxaana sidoo kale jiro Soomaali ganacsyo kala duwan ku haysta Nairobi. Wasiirka wuxuu sheegay in ""dhinaca ganacsiga, Soomaaliya ay suuq wayn u tahay warshadaha, beeraha iyo wax soo saarka Kenya."" ""Lakiin Kenya ma ogola in badeeco uga tagto dhinaca Soomaaliya. Iska daa ganacsi, xudduudda ka gudba ee, waxay xilli kastaa burburiyaan ganacsiga shacabka Soomaaliyeed, sida taawarada iyo qalabka isgaarsiinta ee ay ku shaqeeyaan shirkadeheenna waaweyn ee Hormuud iyo Somtel."" Kenya waxay horey u beenisay in ay burburisay qalabka isgaarsiinta ee lagu duqeeyay xuduudda labada dal. Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in ay jiraan shacab ay ""ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ay ku dhibaateeyeen gobolka Gedo"". Balse ma uusan bixinin caddeynta sheegashadaas. Dhammaadkii bishii la soo dhaafay, ka dib hadalka ka soo yeeray madaxweynaha Jubbaland, waxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya soo saartay qoraal ay ku sheegtay in dalka ay ka eriday safiirka Kenya, una yeeratay safiirka u fadhiya Nairobi. Wasiir Cusmaan Dubbe wuxuu yiri: ""Intii Soomaaliya ka soo kabatay, marna ma dhicin in hal siyaasi oo mucaarad ku ah dowladnimada Kenya, laga abaabulo Muqdisho iyo Soomaaliya, si loogu qalqal geliyo deriska. ""Laakiin taas bedelkeeda, Nairobi waxa ay noqotay meesha lagaga soo duulo Soomaaliya; lagaga noqdo heshiisyada lagu gaaro Soomaaliya gudaheeda. Lagana soo abaabulo rabshadaha siyaasadeed ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee dalkeenna."" Qoraalka dowladda Kenya ayaa arrin ta aka duwan lagu xusay, waxaana lagu yiri: ""Dowladda Kenya waxay xushmeyneysaa, ayna u hoggaansameysaa xeerarka caalamiga ah ee is-xukunka, madaxbannaanida, xuriyadda siyaasadeed, iyo sharafta dhuleed ee dhammaan dalalka, si gaar ah kuwa Afrika"". Balse dowladda Soomaaliya ayaa arrintan la xiriirisay arrin shacab, wuxuuna wasiirka yiri: ""Anagoo ka duuleyna rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, ayaanu si aan dareenkaa ula wadaagno, danjiraheenna latashi ugu yeernay 29-kii bisha Nofembar. ""Arrintan - inaanu u yeerno danjiraheenna ah - miyaanu ku degdegnay mise waanu la soo daahnay? Maya, maynu ku degdegin,"" ayuu hadalka ku daray. ""Waxaa inooga horreeyay dowladda Kenya oo 16-kii February 2019, dib ugu yeeratay safiirkeeda, laakiin dowladda Soomaaliya markasta waxay muujineysa biseyl iyo diblumaasiyad qaangaar ah. Haddaba miyaanu la soo daaahnay? Maya. Diblumaasiyadda ayaa ku dhisan in go'aanka saxda ah la gaaro xilliga ku haboon. Sidaas baanu ula sugeynay wakhtiga ku haboon,"" ayuu saxafiyiinta u sheegay Wasiir Cusmaan Abuukar Dubbe. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya waxay ku adkeysaneysaa ""in ay taageereyso tallaabooyiinka wanaagga leh ee ay qaadeen shacabka Soomaaliya iyo sidii loo meelmarin lahaa heshiis siyaasadeed ay Soomaalida dhexdooda gaareen"". ""Waxaa ka mid ah heshiiskii bishii Sebtembar ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah ee nooca doorashada 2020/21"", ayaa ku xusan qoraalka Kenya. Dowladda Soomaaliya waxay dhankeeda sheegeysaa in ay dulqaad muujineysay in muddo ah. Wuxuu wasiirka Warfaafinta yiri: ""Qofka waa loo dulqaataa; dowladaha waa loo dulqaataa; diblumaasiyadda waa loo dulqaataa; Laakiin markey timaado wakhtigeeda waa laga jawaabaa. Saasaanu ugu yeernay safiirka noo fadhiya Kenya. Soomaaliya ayaa sannadkii 2012-kii ka baxday dowladdihii ku meelgaarka ahaa, waxayna yeelatay dowlad rasmi ah. Tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa isa soo bedelayay siyaasadaha arrimaha dibadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga ku saabsan. Cusmaan Abuukar Dubbe wuxuu yiri: ""Shacabka Soomaaliyeed waxaanu u sheegeynaa in ay ogaadaan in Soomaaliya aanay manta ahayn, Soomaaliyadii burbursanayd, ee ay tahay dowlad madaxbannaan oo cod ku leh fagaarayaasha caalamka, sidoo kalena waxaan shacabka u sheegeynaa in dowladdoodu u taagan tahay midnimo, wadaniyad, madaxbannaani qaran, dowlad wanaag iyo ilaalinta sharafta dalka."" ""Ma aqbaleyno in aanu dib u laabano; ma aqbaleyno in aanu hal dhibic ka tanaasulno awoodda iyo madaxbannaanida qarameed ee Soomaaliya, sida uu nafarayo qodobka koobaad ee dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, faqraddiisa seddaxaad,"" ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/war-55141712 +entertainment Dood wayn oo ka taagan filimka uu Shah Rukh Khan ku noqday 'boqorka jacaylka' "Shirkadda caanka ah ee Riwaayadaha masraxyada ka samaysa dalka Mareyknaka ee Broadway ayaa qorshaynaysa in ay soo bandhigto qisada filimBollywood ah oo si wayn looga daba dhacay. Filimka oo lagu magacaabo 'Dilwale Dulhania Le Jayenge' ayaa waxaa jilay xiddigaha Bollywood-ka, Shah Rukh Khan iyo Kajol. Broadway ayaa damacsan inay qaab riwaayad ahaan ah u samayso filimka, balse waxa uu muran xoog leh ka dhashay qofka matali doona doorka Shah Rukh Khan. Nin caddaan ah ayaa loo xushay inuu riwaayadda ka noqdo Raj, oo ah magaca uu Khan ku jilayay filimka caanka ah. Hase yeeshee taageerayaasha Bollywood-ka ayaa muujiyay in aysan ku faraxsanayn go'aanka lagu doortay atooraha riwaayadda oo magaceeda laga dhigay 'DDLJ Musical'. Taas waxaa sii dheer in magaca atooraha filimka oo ahaa Raj loo baddalay Rog, taasoo ay dad badan u arkeen arrin cunsuriyad ah. Filimka oo magac dheer leh ayaa si wayn loogu yaqaannaa erayada loo soo gaabiyay magaciisa ee 'DDLJ'. Waa mid ka mid ah filimada ugu xiisaha badan ee ilaa hadda uu liiska ku darsaday Shah Rukh Khan, si gaar ahna waa filimka sababta u ah in jilaagan lagu naanayso ""Boqorka Jacaylka"". Dhinaca ganacsiga filimada iyo Shaleemooyinka, haddii qof Caddaan ah loo dhiibo door uu jilay qof ku astaysan sinji gaar ah waxaa loo yaqaannaa 'whitewashing'. Qaar ka tirsan taageerayaasha filimka DDLJ ayaa baraha bulshada ku sheegay in ay aad ula yaabeen ""in ficil noocaas ah dhaco iyadoo la joogo sanadka 2022-ka, oo ah xilli ay jiraan dad sameeya olole ka dhan ah cunsuriyadda"". Vikas Khanna, oo ah cunto-kariye caan ka ah Hindiya, ayaa boggiisa Twitter-ka ku sheegay in inuu ku farxay markii uu ogaaday warka ku saabsan in filimka laga samaynayo riwaayad balse uu hadda si wayn u niyad jabsan yahay. Vikas waxa uu Twitter-ka ku leeyahay in ka badan 2.2 milyan oo taageereyaal ah. Dad badan oo kale ayaa sidaas si la mid ah uga hadlay mowduucan oo maalmihii lasoo dhaafay si aad ah loo hadal hayay. Falanqayn uu sameeyay Aaron Rasheed, oo ka tirsan BBC Asian DDLJ waxaa lagu tilmaamaa mid ka tirsan filimada jacaylka ee ugu fiican Bollywood-ka. Waxa uu ku saabasan yahay qisada nin dhallinyaro ah oo jeclaaday gabar, kaddibna u sheegay in uu ku guulaysan doono qalbiyada qoyskeeda iyo tolkeeda, si uu u guursado iyada. Doorka hoggaamineed ee uu Shah Rukh Khan ku lahaa filimkan waxa uu ku helay taageero aad u badan iyo magac wayn. Filimkiisa waxa uu noqday hit islamarkii uu shaashadaha kasoo muuqdayba. Halkaas ayuuna ka billowday safarka atoorahan uu ku noqday 'Boqorka Jacaylka'. Markii ugu horraysay, agaasimaha filimkan, Aditya Chopra dookhiisa koowaad ee filimkan ma ahayn Shah Rukh Khan. Waxaa ugu horrayn uu qorshuhu ahaa inuu doorkaas qaato Saif Ali Khan. Saif ayaa diiday inuu qayb ka noqdo filimkan oo ah kan ugu waqtiga dheer Bollywood-ka, maadaama uu xilligaas mashquul ku ahaa duubista filimo kale." https://www.bbc.com/somali/articles/cxwm38m8pkko +politics Ka warran haddii ay Hillary Clinton noqon lahayd madaxweynaha Mareykanka? "Buugga loogu magac daray Rodham wuxuu male'awaalayaa duni u dhow mid run ah oo wax kastana ay sidan ka duwanaan lahaayeen. Male'awaalka xiisaha leh ma nagu caawin karaa inaan dhisno 'mustaqbal habboon' ayey tiri Caryn James, oo ah wariye u dhalatay Mareykanka oo dhaleeceysa filimada. Sanadkii 2016-kii, shacabka Mareykanka waxay ku dhawaadeen inay madaxweyne u doortaan Hillary Clinton, dadka reer Britain iyaguna waxay ku sigteen inay diidaan ka bixitaanka Midowga Yurub. Bal ka warran haddii ay arrimahaas u dhici lahaayeen si ka duwan sidii ay u dhaceen? Qorayaasha mid ka mid ah buugaagtii ugu wanaagsanaa waayadan iyo barnaamijyo ka baxa telefishinnada ayaa sameeyay duni male'awaal ah oo ku dhisan jumladda ""ka warran haddii ay sidaas dhici lahayd"". Curtis Sittenfeld, oo ah qoraa u dhalatay dalka Mareykanka ayaa sameysay buug ay ku magacowday Rodhan - oo dad badan ay ku xirmeen - waxayna uga warrameysaa sida ay Hillary Rodham nolosheeda u ekaan lahayd haddii aysan guursan lahayn Bill Clinton. (Waxyaabaha durba la fahmayo waxaa ka mid ah: in xirfaddeeda hammigeeda siyaasadeed uu billaaban lahaa xilli ka horreeya waqtigii uu billowday, maadaama uu seygeeda siyaasi ahaa.) Shirkadda uu leeyahay ninka ku xeel dheer allifaadda male'awaalka filimada, ee lagu magacaabo William Gibson, ayaa ka qeyb qaadatay diyaarinta Duni ay madaxweyne ka tahay Hillary Clinton, oo sidoo kale Britain aysan ka bixin Midowga Yurub. Qeybta ugu horreysa ee Filimkaas siyaasadeed ee male'awaalka ah, oo lagu magacaabay ""The Good Fight=Dagaalka Wanaagsan"" ayaa ka baxday telefishinka CBS, waxaana diiradda lagu saaray Hillary Clinton oo madaxweyne ah. Qaabka sheegada loo sameeyay aad baa loo jecleystay ilaa dhammaadka. Waxyaabo kale ayaa male'awaal noocaas ah laga sameeyay. Musalsalka AppleTV+ ee lagu soo qaato wax kasta oo ay bani'aadanka male'awaal ka dhigtaan ayaa isagana lagu eegay waxa dhici lahaa haddii uu Ruushka dayaxa geyn lahaa nin, kaddibna haweeney, ka hor inta uusan sidaas sameynin Mareykanka. Madaxweynihii Mareykanka, ee lagu magacaabi jiray Richard Nixon, oo lagu yaqaannay inuusan wax dan ah ka yeelanin xuquuqda haweenka ayaa dalbaday in sidaas la sameeyo, oo ragga iyo dumarka loo wada diro dayaxa. Akhristeyaasha iyo daawadeyaasha waxaa suurtagal ah inay ku caajiseen waxyaabaha male'awaalka ah, gaar ahaan marka ay u jeedaan xaqiiqda. Laakiin barnaamijyadan cusub waxay dareensiinayaan rajo fiican oo dhici karta. Waliba waxay kusoo aadeen xilli uu cudur safmar ah ka jiro caalamka oo inta badan guryaha la joogo, fursad wax kasta lagu daawadana la heysto. Sidaas darteed dadku waxay ka fikirayaan xiisaha ay yeelan lahayd duni ka duwan sida ay hadda tahay. Horayba way jireen waxyaabo lagu fikiri jiray sida ay xaaladdu noqon lahayd haddii aysan dhici lahayn. Waxaa tusaale fiican ah Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Filim ay shirkadda HBO sameysay, oo lagu magacaabo ""Qorshihii ka dhanka ahaa Mareykanka"", ayaa lagu daawaday Charles Lindbergh oo madaxweyne ka ah Mareykanka. Filim kale oo musalsal ah, oo laga heli karo Amazon ayaa isagana lagu jilay Yuhuudda Mareykanka ah oo sannadihii 1970-meeyadii ugaarsanaya Naaziyiintii xasuuqay. Hase yeeshee, arrinta ku saabsan 2016-kii waxay ka xiiso badan tahay dhammaan waxyaabaha kale, sababtna waxaa laga yaabaa inay tahay maadaama madaxweynenimada Hillary iyo kusii jiritaanka UK ee Midowga Yurub ay ahaayeen arrimo aad ugu sigtay inay si dhab ah u dhacaan. Dhacdooyinkan u dhawaaday runta ee laga sameeyay male'awaalka xiisaha badan ma aha kuwo ay suurtagal tahay inay si fudud u rumoobaan. Laakiin haddii ay xitaa dhici lahaayeen, waxaa jiro waxyaabo badan oo aysan ka baddali kari lahayn dunida hadda jirta, sida lagu caddeeyay filimada matalaadda ah. Madaxweynaha male'awaalka ah ee filimka lagu matalay, oo loola jeedo Mrs Clinton, awood uma aysan yeelanin inay nabad kusoo celiso gobolka Bariga Dhexe. Balse waxyaabo kale oo waaweyn ayaa ugu hirgalay sida ka muuqata filimka khiyaaliga ah. Waxaa ka mid ah in maamulka ay madaxweynaha ka tahay Hillary uu daawo u helay cudurka kansarka. Haddaba markii dib loogu soo laabto dunida runta ah, dhammaan taariikhahaas khiyaaliga ah awood uma laha inay dib waqtiga u celiyaan, oo ay mar kale isasaxaan. Kama hortagi karaan inuu dillaaco fayraska hadda dunida oo dhan ku faafay, dibna uma celin karaan ka bixitaanka UK ay macsalaameysay Midowga Yurub. Balse waxaa laga yaabaa in ay fikrad naga siiyaan sameynta mustaqbal ka wanaagsan sidii hore." https://www.bbc.com/somali/war-52811822 +health Dhibaatada maandooriyaha: Sheekada nin seexday meel qubuuro ah oo uur ku taalle ku noqotay "Ku dhawaad ​​4,000 oo dhallinyaro ah ayaa halis ugu jira in sannad walba loo isticmaalo in daroogo ay geeyaan miyiga UK, sida ku cad xogta ay bixisay hay'adda aan dawliga ahayn ee Safer London. Waxay ku dhacaan gacanta kooxaha dambiilayaasha ah ee adeegsada carruurta, qaarkood xitaa waa illaa 12 sano jir, si ay u iibiyaan mukhaadaraadka iyagoo adeegsanaya khad taleefan oo gaar ah, sidaa darteed waxaa loo yaqaanaa naanaysta ""khadadka ismaamullada."" Mid ka mid ah carruurtan ayaa BBC-da uga waramay sida ay u shaqaaleysiiyeen kooxaha dambiilayaasha ah, taas oo ay saraakiisha u arkaan qaab dhiig-miirasho ah. Michael, wuxuu ahaa 13 sano jir markii saaxiibkiisii iskuulka ay wada dhiganayeen u yimid isaga oo damacsan inuu ka dhigo qof ka ganacsada daroogada. Waxaa lagu tijaabiyay oo laga dhaadhiciyay fikradda ah inuu lacag sameeynayo, ka dibna Michael wuxuu bilaabay inuu daroogada ku iibiyo xaafaddiisa, balse si tartiib-tartiib ah ayuu u gaaray heerar kala duwan. Kooxdii burcadda ahayd ee badeecadda daroogada u dhiibtay ayaa dhowaan bilaabay inay Michael ka soo kaxeeyaan London iyagoo u ballanqaaday in isaga oo dhallinyaro ah uu toddobaadkii heli karo qiyaastii $ 650 doolar. Waxaa la geeyay guriga nin balwadda aad u isticmaala oo ay kooxda ka afduubteen bartamaha Britain, si uu u iibiyo badeecadda. (Waxaana lagu magacaabaa guriga cuckoo, oo micneheedu yahay shimbir ukunteeda ku dhasha buulka ay shimbiraha kale ka guureen.) Isagoo gurigan saldhig ahaan u adeegsanaya, Michael wuxuu waqtigiisa ku qaatay waddooyinka intii uu iibinayay daroogooyinka kala ah heroin iyo kookeyn, habeen iyo maalinba. ""Xoogaa waan dhibsaday, balse runtii waan baqay,"" ayuu yidhi. ""Hase yeeshee markii aan helay lacagtii, waan beddelay fikradaydii oo waxaan is idhi 'hagaag, wax yar baan heli karaa'"". Qoyskiisa, miyaanay ogayn maqnaanshihiisa? Sida laga soo xigtay sheekadiisa, Michael wuxuu haystay nolol caadi ah iyo xiriir aad u wanaagsan oo kala dhaxeeyay waalidiintiisa. Balse iyagoo ka walwalsan maqnaanshihiisa, mudada dheer ayay isku dayeen in ay joojiyaan oo ay qariyaan taleefankiisa gacanta, laakiin isla markii uu guriga ka baxay, kooxdii burcadda ahayd ayaa mar kale bilowday in ay handadaan. Xubno burcad ah ayaa geeyay guri ay quraac ku siiyeen dhowr dhallinyaro ah, ka hor intii aysan aadin iskuulka. ""Ka dib waxay na geeyeen iskuulka waxayna na raaceen fasalada ka dib,"" ayuu yidhi. In kastoo uu la noolaa koox maandooriye qabatimay, Michael wuxuu leeyahay ""weligiis ma ogaan halista"" ama ma arag sida uu dhibbane u noqon karo. Wuxuu weli xusuustaa oo maskaxdiisa ka bixi la' habeen uu ku xayirmay meel boqollaal mayl gurigiisa u jirta, ka dibna ay danta ku khasabtay inuu seexdo qabuuro ku yaal meel aa ka fogeyn halkii uuu ku xayirmay. ""Waxay ahayd arrin aad u culus oo lama ilaabaan ah,"" ayuu yiri. Ka ganacsiga daroogada ka dib, Michael wuxuu go'aansaday inuu iska daayo iibinteeda, balse ma ahayn wax fudud in laga xuroobo burcadda. ""Waxay isku dayeen inay mar kale i shaqaaleeyaan, laakiin waxaan ku guulaystay in aan ka baxo aaggooda waxayna ila tahay in taasi ay wax badan iga caawisay,"" ayuu yiri isagoo sharraxayay qaabkii uu uga badbaaday inuu markale la shaqeeyo burcadda. ""Waxaan bilaabay in aan helo aqoon ka duwan tii daroogada si aan wax kale ugu sameeyo noloshayda."" Machadka Safer London wuxuu la macaamilay dhallinyaro badan sida Michael, kuwaas oo ay ka faa'iidaysteen dad iyaga ka waaweyn oo kooxo dambiileyaal ah si ay daroogada ugu iibiyaan. Agaasimaha Safer London, Claire Hubberstey ayaa xustay in dhallinyaro aad u tiro badan ay halis ugu jiraan inay ku xayirmaan waxa loogu yeero ""khadadka ismaamullada"". ""Waxaan sameynaa diiwaangelinta wiilasha markaan aragno in ay jirto nooc hanjabaad ah oo na cabsi gelinaysa,"" ayay tiri Claire. Iyada oo lagu saleynaya tirakoobka dhalinyarada ee ay hay'adda u adeegto, waxaa la qiyaasay in ilaa 4,000 oo carruur ah ay wajahaan caqabadda nocaan oo kale ah sannad kasta iyaga oo gala shabakadahaan ka ganacsada daroogada. Kevin Hyland, Komishanka La -Dagaalanka Addoonsiga - oo ah xafiis ku yaalla Ingiriiska oo u heellan la dagaallanka tahriibinta dadka - ayaa xusay in waxa loogu yeero ""khadadka ismaamullada"" ay bilaabeen in la aqoonsado. ""Waan soo jeednaa, laakiin miyaan si buuxda arrintan ugu soo jeednaa? Malaha maya, laakiin waan bilaabaynaa,"" ayuu yiri Hyland. Wuxuu intaas ku daray in soo afjaridda dhibaatada ay u baahan tahay in la beddelo fikirka booliiska iyo mas'uuliyiinta kale si ay ganacssatada yaryar ugu aqoonsadaan dhibbaneyaal baddalkii ay dambiilayaal ka dhigi lahaayeen." https://www.bbc.com/somali/war-58846765 +politics Muxammad oo ka mid noqday magacyada ugu badan ee loo bixiyo carruurta ku dhalaneysay UK Magaca Muhammad (oo sidan u qoran) ayaa noqday midka shanaad ee loo bixiyo carruurta ku dhalata Britain, sannadkii 2020. Waxaa sidaas lagu sheegay warbixin Isniintii ka soo baxday Xafiiska Tirakoobka Qaran ee UK. Marka magaca Maxamed loo qoro Mohammed iyo Mohammad, ayaa sidoo kale ka mid noqday 100-ka magac ee ugu badan ee loo bixiyo carruurta ku dhalaneysa UK. Labadan qaab ayaa kala ah kaalmaha 32 iyo 74 - in kastoo labadaba ay la mid yihiin Muhammad, balse qaab qoraalka ay ku kala duwan yihiin. Sidoo kale Nuux, ayaa noqday magaca afaraad ee ugu badan, kaas oo loo bixiyo wiilasha yaryar ee dhasha. Laba magac oo kale oo Muslimiinta ay baxsadaan - Ibraahim iyo Yusuf - ayaa sidoo kale ka mid ah 100-ka magaca ee ugu badan ee loo bixiyay carruurta. Dhammaan seddaxda qaab ee loo qoro magaca Nabi Maxamed (CSW) iyo Yusuf iyo Ibraahim, ayaa si wayn caan uga sii noqonayay Britain, tan iyo 1996, sida ku xusan xogta ONS. Muslimiinta oo u qeybsan bulshooyiin iyo qowmiyadaha kala duwan, waxay Maxamed u qoraan qaabab kala duwan, balse waa isku mid waana magaca loogu jecel yahay. Waxaa suuragal ah in uu yahay mid ka caansan yahay sida ay u qiimeysay ONS, balse qoraallada kala duwan ayaa keenay in ay muuqan waydo heerka ugu sarreysa ee magacaas uu gaari karo. Magacyada kale ee caanka ah ee loo bixiyo wiilasha ku dhalanaya UK waxaa ka mid ah George, Oliver, iyo Arthur. Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu sheegay in hooyooyiinka da'da yar ay doortaan magacyada casriga ah ee la soo gaabiyay, marka la barbardhigo hooyooyiinka ka wayn 35 sano. Labada magac ee loogu baxsashada badan yahay waxay kala yihiin Olivia iyo Oliver, sida ku cad xogta Waaxda Tirakoobka Britain. Magacyadan ayaa sannadkii shanaad soo galaya shanta kaalin ee ugu sareysa. Labada Magaca ee Arthur iyo Nuux ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay si wayn sare ugu soo kacay, waxayna soo gaareen meelaha ugu sarreeya. Waxaa jirtay xilli ay ka sii hooseeyeen kaalinta 200. Muhammad wuxuu caan ka yahay illaa afar gobol oo ka tirsan UK. Siân Bradford, oo ka tirsan ONS, waxay sheegtay in dhaqamada iyo dadka caanka ah ay kaalin wayn ku leeyihiin magacaabidda carruurta. https://www.bbc.com/somali/war-58971222 +politics Maxay tahay muhiimadda uu leeyahay kursiga ay u tartamayaan Jabuuti iyo Kenya? "Dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay oo tiradoodu dhantahay 193 dal ayaa maanta cod u qaadi doona Kenya iyo Djibouti kii ku fadhiisan lahaa kuraasta aan joogtada ahayn ee qaaradda Afrika looga qoondeeyey midkood oo ay tartan ugu jireen beryahan ba labada dal,,waxaanay la filayaa in ay natiijada codayntaasi soo bixi doonto saddexda galabnimo wakhtiga New York oo noqonaysa tobanka habeenimo Afrikada Bari. Cod-bixin ay bishii Agoosto sameeyeen dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ayey dowlada Kenya ka heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod oo kaliya. Laakiin Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii waddo Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato. Horay uma dhicin in waddan labo dal oo ku kala haray midowga Afrika ay wali loollan kusii sameeyaan kursigaas. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu sheegay in dadaalka uu ugu jiro dalkiisa kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu yahay mid ay usoo galeen olole adag. ""Tani waxay aheyd olole aad u adag, waxaan soo dhageysanay oo aan diyaarsanay waxyaabaha aad mudnaanta siineysaan ee danaha idiin ah ee aad ka walaacsan tihiin ee aragtiyaha aad ka qabtaan dunida dhibka badan , 27-ka bishan Juun waxaan u dabaal degi doonaa 43 sanno oo xornimo ah, waa 43 sanno oo ay Jabuuti ku caanbaxday nabad iyo dulqaad"" Waxaa uu dhanka kale sheegay in Jabuuti ay kaalin weyn ka qaadatay dadaallada nabadda ee gobolka, wuxuu tusaale usoo qaatay shirka wadahadallada ee madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay isugu tageen Jabuuti kaas oo dhawaan ka dhacay Jabuuti. ""Waxay si guul ah u dhexdhexaadisay dadaallo badan oo nabdeed oo ka jiray gobolka waxaana kamid ahaa dadaalkii nabadeed ee Soomaaliya horraantii 2000 oo aanu qabanay shirkii Carta kaas oo horseeday in Soomaaliya ay dib ugu soo laabato kursigeeda Qaramada Midoobay iyo saaxadda gobolka labo maalmood kaddib oo ay tahay 20 sanno kaddib shirkaas waxaan ku marti qaaday Jabuuti wadahadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland kaas oo aan rajeynayo in uu sahli karo horumar macno leh iyo faa'idooyin la taaban karo"" Kenya oo si kulul uga jawaabtay eedeyn uga timid Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay DP World iyo dimoqoraadiyadda Jabuuti Milatariga Shiinaha oo Jabuuti ku sii jeeda Aadan Ducaale: Soomaali baan ahay oo muwaadin ka ah Kenya, mana aqbalayo in Soomaaliya ay qaadato baddeenna Dhanka kale, Madaxweyanaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay tartanka dalkiisa uu ugu jiro kursigan isla markaana waxaa uu farriin u diray xubnaha ka qeyb galaya shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. Waxaa uu sheegay in ""In Kenya oo loo codeeyo ay ka dhigan tahay in nabadda iyo midnimada adduunka loo codeeya"" ""waxaan idin sheegaya in Kenya oo loo codeeyo ay tahay mid xitaa horseedi doonto in la tixgeliyo dalalka yar"" ""Waxaan doonayaa in aan idiin la wadaago sheeko ku saabsan Kenya, waana sheekada ay Kenya aaminsan tahay iyo aaminaadda ina xoojineyso, waa midda rumeysan dimuqraadiyadda iyadoo la qaddarinayo nolosha aadanaha iyada oo loo sii marayo midnimada waa tan arrinta aan wax ku wada qabsaneyno"" ayuu yiri Kenyatta. Kursigan ayaa markii hore waxaa loo qoondeeyay ilaa lix dal balse sannadkii 1965-tii ayaa laga dhigay ilaa 10-ka kursi ee aan joogtada aheyn ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobey. Kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey ayaa ah mid saameyn weyn leh maadama dalka ku guulesyta kursigan uu ka qeyb geli doono doodaha ku saabsan amniga. Dalka ku guuleysta kursigan wuxuu muddo labo sanno ah kamid ahaan doonaa 10-ka dal ee ka tirsan kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. Jabuuti iyo Kenya waxay sannadihii lasoo dhaafay dadaal ugu dadaal ugu jireen sidii ay u hanan lahaayeen kursigan, waxay taageero ka kala raadsanayeen dalalka ay isku luqadda yihiin ee qaaradda, Kenya waxay taageero u raadsatay dalalka ku hadla luqadda afka Ingiriiska halka Jabuuti ay u habar wacatay dalalka Afrika ee ku hadla luqadaha afka faransiiska iyo Carabiga. Dalka ku guuleysta kursigan waa in uu helaa saddex ka meelood labo meel codadka ay dhiibteen dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey." https://www.bbc.com/somali/war-53061498 +politics Ruushka oo malaayiin ku bixiyay si uusan Putin ugu dhicin cudur halis ah "Xilligii uu heerka ugu sarreeya marayay cudurka safmarka ah ee COVID-19, Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha caalamka ee sida ugu wayn loo ilaalinayay - walina sidaas ayaa loo ilaaliyaa, inkastoo xayiraadaha fayraska corona laga khafiifiyay dunida. Qof walba oo masaafe dhan hal kiiloomitir usoo jirsanaya hoggaamiyaha Ruushka (oo ah tobannaan qof, sida dhakhaatiirta, shaqaalaha madaxtooyada, duuliyeyaasha iyo kuwo badan oo kale) waxaa khasab ku ahayd inay galaan karantiil labo isbuuc ah ugu yaraan afar jeerna laga baaro Covid, sidoo kalena la mariyo baaritaanno kale, oo ay ku jiraan mararka qaar baaritaanno dhanka saxarada ah. Haddaba qaab sidee ah ayuu u shaqeeyaa nidaamka lagu ilaaliyo caafimaadka Vladimir Putin? ""Waxay ahayd markayga. Gacmaha ayaan isku salaannay waxaana u rajeeyay caafimaad wanaagsan isaga [Vladimir Putin] anigoo u gudbiyay farriin taas la mid ah oo uga timid dhammaan rugcaddaayada dagaalka ee Jamhuuriyaddeenna,"" ayuu yiri Janaraal howlgab ah,Akhat Yulashev, oo kasoo jeeda gobolka Tatarstan, isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah markii uu ku laabtay gurigiisa isagoo ka tagay Moscow. ""Wuu ii dhoollacaddeeyay. Sidaas ayuu dareenkiisa u muujiyay!"" Janaraalka 94 jirka ah ayaa u safray Moscow si uu uga qayb galo munaasabadda 9-ka May ee Maalinta Guusha, oo ka dhacday Fagaaraha caanka ka ah magaalada ee Red Square. Balse maadaama uu ku dhawaanayay Mr Putin, ugu horrayn waxa uu ku khasbanaa in uu labo isbuuc soo galo karantiil uu ku qaatay hoteel ku yaalla Moscow, kaasoo uu ku tilmaamay mid ""raaxo badan"". BBC-da uma aysan suurtagelin in ay si shakhsi ah ula hadasho Janaraal Yulashev, balse waxaa la aaminsan yahay inuu ka mid ahaa 400 oo ruux oo karantiil labo isbuuc ah ku galay hoteellada casriga ah ee Moscow ka hor inta aysan ka qayb galin xafladda ay maalintaas ugu dhawaadeen hoggaamiyaha Ruushka. Waxay u muuqataa in xitaa markii uu hoos u dhacay cudurka safmarka ah, ayna yaraadeen tallaallada loo qaadanayo, ay wali sidooda ahaayeen shuruucda xanuunkan looga ilaalinayay Mr Putin. Madaxweynaha ayaa hadda meesha uu daggan yahay ku sameeya dhaqdhaqaaqyo ka badan kuwii uu samayn jiray labadii sano ee lasoo dhaafay, si la mid ah sida ay sameeyaan shaqaalihiisa caafimaadka iyo qof walba oo kale oo xiriir toos ah la samaynaya. Xogta sida caadiga ah looga heli karo ilaha dowladda Ruushka ayaa shaaca ka qaadday in qiyaastii 3.2 bilyan oo roubles (oo u dhiganta $54.6 milyan oo doolar) lagu bixiyay ilaalinta caafimaadka Putin. Mikhail Fremderman, oo ah dhakhtar Israa'iili ah oo tan iyo 2014-kii uu fadhigiisu ahaa Ruushka, ayaa sheegay howshooda ku tilmaamay mid aan horay loo arkin. ""Qaabka loo ilaalinayo Madaxweynaha waxa uu sababay inaysan macquul noqon karin in la ogaado halka ay marayso xaaladda caafimaad ee madaxweynaha iyo in ay haystaan dhibaatooyin caafimaad oo halis ah. Waxay u badan tahay inay yihiin tallaabooyin loo qaadayo dhinaca taxaddarka."" Konstantin Balonov, oo ah dhakhtar uu fadhigiisu yahay Mareykanka, oo daweeya bukaannada sida daran ula xanuunsan Covid, ayaa Ruushka kusoo noolaa ilaa sanadihii 1990-meeyadii. Waxa uu sheegay in tallaabooyinka xad dhaafka ah ay noqon karaan kuwo ay dhakhaatiirta Madaxtooyada Kremlin ugu talo galeen in sida ugu fiican loo badbaadiyo madaxweynaha. Halka markii ugu horraysay ee uu cudurku soo shaac baxay ay jirtay sabab loo xoojiyo ilaalinta, haddana markii uu cudurka hoos u dhacay, kiisaskuna ay yaraadeen gudaha Ruushka, wali qorshaha madaxweynaha lagu difaacayay waxba lagama baddalin. Xitaa iyadoo lasoo tebiyay in madaxweynaha laga tallaalay Covid, baaritaannada lagu samaynayay qof walba oo usoo dhawaada waxay ahaayeen sidoodii hore. Sidoo kale waxaa lasoo kordhiyay baaritaanno cusub, sida kuwa loogu talogalay dadka uu horay u saameeyay cudurka Covid, hargabka, qabowga, bakteeriyada iyo tijaabada saxarada oo dadka looga baarayay in ay goormaanno ku jiraan. Sida laga soo xigtay xogta dowladda, tan iyo billowgii 2021-kii waxaa baaritaanno lagu sameeyay 1,500 oo ruux. Bishii February ee sanadkan 2022-ka, qaar ka mid ah warbaahinta Ruushka, oo soo xiganaya ilo la qariyay ayaa tebiyay in shaqaalaha madaxtooyada Kremlin qaarkood ee ka ag dhawaada madaxweynaha ay gudbiyeen tijaabooyin saxaro oo laga rabo isbuuciiba hal mar. Xogta la heli karo ayaa sidoo kale muujinaysa in Madaxweynaha xitaa lagu sameeyo baaritaanno joogto ah oo isugu jira Covid-ka iyo saxarada. Baaritaannada shaqalaha duullimaadyada ayaa lagu kharash gareeyay lacag dhan $2.1 milyan oo doolar labadii sano ee lasoo dhaafay gudahooda. Bishii May ee sanadkan oo keliya, shaqaalaha duullimaadyada madaxweynaha waxay soo gudbiyeen 1,376 suuf oo looga baaray Covid iyo 98 caag oo kuwa saxarada lagu qaado ah. Waxay sidoo kale gudbiyeen 447 baaritaan oo dhiig ah. Tiro badan oo iyaga ka mid ahna waxay isbuucyo karantiil ah ku qaateen hoteellada Moscow. Bishii Maarso ee sanadkii 2021-kii, madaxtooyada Kremlin waxay shaacisay in Madaxweyne Putin la tallaalay. Markii dmabena waxay shaacisay in tallaalka la siiyay uu ahaa kii lagu sameeyay Ruushka, oo la yiraahdo Sputnik V. Qaabka baaritaannada loo samaynayay waxaa su'aalo geliyay khubaro badan oo ku sugan Ruushka. Tallaalka kaddib, Vladimir Putin waxa uu dib ugu laabtay safarradiisii badnaa ee uu gudaha waddanka ku samaynayay, isagoo joogay guryihiisa ka baxsan magaakada Moscow. Safarradaas waxaa mar walba ku wehlinayay dhakhaatiir. BBC-da ayaa ilo wareedyada la heli karo ka ogaatay in ilaa afar dhakhtar ay raaceen Madaxweyne Putin markii uu tagay gurigiisa dalxiiska oo uu uga muuqdo sawirka harada Uzhyn, oo qiyaastii 400km dhinaca waqooyiga-galbeed ka xigta magaalada Moscow. Tobannaan kun oo doolar ayaa lagu kharash gareeyay dhakhaatiirta meel walba u raacda. Dhakhtarka u dhashay Israa'iil, Mikhail Fremderman, waxa uu sheegay in shuruucda xakamadynta Covid ee hadda ka jirta Israa'iil ay isku mid yihiin hoggaamiyaha dowladda iyo dadka kale ee muwaadiniinta ah. Ma jiraan waxyaabo khaas ah ama baaritaanno dheeri ah oo lasoo tebiyay in loogu talo galay qof gaar ah. Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil waxaa wehliya dhakhaatiir, balse waxay u raacaan oo keliya meelaha ka baxsan dalka. Dhakhtarka fadhigiisu yahay Mareykanka, Konstantin Balonov, ayaa sheegay in uusan waligiis maqlin qof baaritaan Covid lagu sameeyay isagoo saxaradiisa la eegayo, nooca baaritaanka ee uu garanayana uu yahay oo keliya kan loo yaqaanno PCR ee caadiga ah. Balonov waxa uu sheegay in ilo wareedyadiisa dhinaca caafimaadka ee ka war qaba Aqalka Cad ay u xaqiijiyeen in uusan jirin wax baaritaan ah ama karantiil la geliyo saxafiyiinta ka diiwaan gaashan halkaas, inkastoo markii ugu horraysay ee uu cudurka safmarka ah soo baxay wariyeyaasha ka qayb galaya shirarka jaraa'id ee Aqalka Cad looga baahnaa in ay soo gudbiyaan warqado caddaynaya natiijada ku saabsan in aysan qabin Covid iyo in ay maaskarada xirtaan. Shuruucdaas waxay ahaayeen kuwo xilligaas looga baahnaa guud ahaan dadka ku nool Mareykanka." https://www.bbc.com/somali/articles/cjl529g5j5do +politics UK: Muxuu sharciga cusub ee soo galootiga uga dhigan yahay Soomaalida? "Sharci cusub oo la horgeynayo baarlamaanka uk, Talaadada maanta ah ayaa lagu soo saari doonAa tallaabooyin adag oo cusub oo looga gol leeyahay in lagu joojiyo muhaajiriinta ku soo galaya UK doomaha yar yar. Sharcigaan oo ay soo bandhigeyso Xoghayaha Arrimaha Gudaha dalka Ingiriiska ayaa meesha ka saaraya qof kasta oo ku soo gala UK waddo sharci darro ah. Hindise sharciyeedkan ayaa sidoo kale ka hor istaagi doona kuwa sharci darrada ku imaanaya inay codsadaan magangalyo ama ku soo laabtaan dalka Ingiriiska mustaqbalka. Xoghayaha Arrimaha Gudaha Suella Braverman ayaa sheegtay in sharcigu uu xaddidi doono ""xudduudaha sharciga ee caalamiga ah"", iyadoo sheegtay in ay jirto bahai ku saabsan sharcigaan si ""loo xalliyo dhibaatadan"". Hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha Sir Keir Starmer ayaa ku tilmaamay qorshayaashan kuwo aan shaqaynayn. Raysal wasaare Rishi Sunak wuxuu sheegay in qorshahaan uu yahay mid caddaalad ah, kana mid ah shan qodob oo horey ay dowladdiisu u ballan qaadday. Raysal wasaare Sunak wuxuu sheegay in Boqortooyada Ingiriisku ay leedahay ""taariikh sharaf leh oo ku saabsan dhanka soo dhaweynta kuwa aadka ugu baahan magangalyada"". Wuxuuna intaa raaciyay in tallaabooyinka cusubi ay ""xaq u leeyihiin kuwa dalka jooga iyo kuwa haysta magangalyo sharci ah"". ""Kuwa ku yimaada doomaha yaryar si toos ah ugama baxsanayaan waddan ay dagaallo aafeeyeen ama ay wajahayaan khatar nololeed,"" ayuu yiri. ""Taas beddelkeeda, waxay soo mareen dalal ammaan ah oo Yurub ah ka hor intaysan ka gudbin Channel-ka. Xaqiiqda ah inay sidaas samayn karaan waa caddaalad darro kuwa halkan ku yimaada si sharci ah."" Mrs Braverman ayaa sheegtay in iyada iyo ra'iisul wasaaruhu ""ay si hagar la'aan ah uga shaqaynayeen"" si loo hubiyo in sharcigu shaqeeyo In ka badan 45,000 oo qof ayaa dalka Ingiriiska ka soo galay marinka English Channel-ka sanadkii hore, halka sanadkii 2018, ay ka soo galeen ilaa 300 oo qof taasoo keentay in cadaadis lagu saaro dowladda inay wax ka qabato arrintan. In kasta oo sharcigan uu qaadan karo waqti haddana qof kasta oo si sharci darro ah ku soo gala UK laga bilaabo Talaadada maanta ah wuxuu halis ugu jiro in la masaafuriyo marka loo eego qodobbada sharciga Waxaase la filayaa in culeys uu kaga yimaado dowladda heshiiska Yurub ee xuquuqul insaanka - kaas oo hadda xuquuq siinaya dadka magangalyo-doonka ee ingiriiska tagaya. Sharcigan ayaa lagu wadaa in toddobaadkaan la horgeeyo baarlamaanka si ay u meel mariyaan isla markaana uu durba u dhaqan galo. Maxamed Nuur Qalimow, oo ah khabiir ka faallooda arrimahan ayaa sheegay in marka ay timaaddo saameynta sharcigaan iyo dadka soo galootiga ah ay Soomaalidu ula mid tahay dadyowga kale, isagoo intaa raaciyay in ayba yar yihiin dadka Soomaalida ah ee qaabka tahriibka ah ama doomaha yaryar ku gala isla markaana adeegsada marinka English Channel-ka. ""Soomaalidu kama duwan dadka kale, laakin Soomaalidu marka ay halkaan yimaadaan way is caawiyaan oo qaarkood dalal kale ayay sii aadaan,"" ayuu yiri Qalimow. Arrintaan ayaa la aaminsan yahay in ay niyad jabin doonto dadka hadda ku hamminaya in ay qaab tahriib ah ku galaan dalka Ingiriiska. Qalimow ayaa qaba in dadka Soomaalida ah ""aysan qatar gelin naftooda, tiiyoo ay u sii dheertahay in dib loogu celin karo halkii ay ka yimaadeen ama dalalkii ay soo mareen.""" https://www.bbc.com/somali/articles/c6p7y9kqgwdo +politics Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Covid-19 u jiifa "Xafiiska madaxweynaha Koonfur Afrika, ayaa sheegay in Madaxweyne Cyril Ramaphosa, laga daweynayo cudurka Covid-19 oo ku dhacay. War bixin xafiiskiisu soo saaray ayaa lagu sheegay in astaamaha cudurka ee ka muuqda madaxweynaha oo haatan 69 jir ahi ay yihiin kuwo khafiif ah oo uu haatan keligii meel u gaar ah ku sugan yahay magaalada Cape Town. Koonfur Afrika waxa haatan ku sii kordhayey tirada dadka uu cudurku ku dhacayo tan iyo intii dalkaas laga helay firka cusub ee fayraksa korona ee Omicorn la yidhaa bishii Noofember. Madaxweynihii ugu dambeeyey midab takoorkii Koonfur Afrika oo geeriyooday Mandela iyo midab takoorkii Koonfur Afrika oo maxkamad isla aadaya In kasta oo Omicron sida loo kala qaadaa ka badan tahay noocyadii ka horeyey sida Delta, hadana suurto galnimada qofku ugu dhiman karo noocan cusubi way yar tahay, sida lagu ogaaday daraasad la sameeyey. Wuxuu noqonayaa madaxweynihii u dambeeyey ee dhawr hogaamiye oo ka mid ah kuwa dunida ee uu ku dhaco Covid-19, waxaana ka mid ah hogaamiyeyaashaas uu ku dhacay cudurku ra'isal wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, Donald Trump oo uu ku dhacay markii uu madaxweynaha ahaa, madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro, Emmanuel Macron-ka Faransiiska, madaxweynaha Czech Miloš Zeman iyo madaxweynihii hore ee Bolivia Jeannine Añez. Madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Ramaphosa laga helay maalintii Axadda, wuxuuna horey ugu wakiishay dhammaan mas'uuliyadihiisii madaxweyne ku xigeenka David Mabuza inuu sii hayo ""todobaadka soo socda oo dhan"". Maxaa ka jira in moos cudur wata oo Soomaaliya laga qaaday la geeyay Koonfur Afrika? Warka ka soo baxay madaxtooyada ayaa sheegay in madaxweynuhu xanuunka dareemay ka dib markii uu ka qayb galay aaskii madaxweynihii hore FW de Klerk subaxnimadii hore ee Axaddii. Waxaanu intaas ku daray in Ramaphosa uu ""niyad wanaagsan yahay"" laakiin ay dhakhaatiirtu xaaladiisa la socdaan. Bayaanku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan fayraska laga helay Ramaphosa. Dadka aadka ula kulmayna waxa lagu wargeliyey in ay is baadhaan hadii ay isku arkaan astaamaha cudurka. Madaxweynuhu wuxu dhawaan socdaal todoba maalmood ah ku tagay wadamada Nigeria, Ivory Coast, Ghana iyo Senegal. Xubno ka tirsan wafdigiisii ayaa cudurku markii ay Nigeria joogeen uu ku dhacay waxayna isla markiiba toos ugu noqdeen Koonfur Afrika. Madaxtooyadu waxay sheegtay in Ramaphosa oo la tallaalay bishii Feeberweri iyo xubnaha weftigiisaba dalalkii ay tageen oo dhan lagaga baadhay Covid-19. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay tahay in cudurkaa ku dhacay uu digniin u noqdo dadka oo ay qaataan talooyinka caafimaadka sidoo kalena ay is talaalaan." https://www.bbc.com/somali/59646965 +sports Maxaa ku khasbay Shiinaha in laacibiin u safata koobka Adduunka uu dibedda ka doonto? "Shiinaha wuxuu toddobaadkan isu diyaarinayaa ciyaaraha is reebreebka koobka kubadda cagta adduunka ee sannadka 2022 lagu qaban doonaa dalka Qatar, balse waxaa indhaha lagu hayaa laba ciyaartooy. Waxay kala yihiin Nico Yennaris oo ah 26 jir ku dhashay Magaalada London iyo Elkeson oo ah 30 jir isna bila kahor la sheegay in uu heystay dhalasahada dalka Brazil. Labadan ciyaarahan waxaa lagu daray xulka Qaranka ee kubada cagta dalka Shiinaha, kuwaas oo tallaadadii la soo dhaafay la dheelay xulka kubada cagta ee Maldives oo 5-0 ay uga badiyeen. Elkeson oo kullankii ugu horeeyay ka soo muuqday ayaa qaab ciyaareed wanaagsan la yimid wuxuuna laba gool u dhaliyay kooxdiisa. Waa markii ugu horeysay oo ciyaartoy ka soo wareegay dal kale uu dalka Shiinaha u dheelo, uga na qeyb galo ciyaar ka mid ah tartamada adag ee caalamka. Yennaris ayaan weli la soo safin kulamada Shiinaha. Tallaabadan waa mid muhiim u ah Shiinaha oo ay ku nool yihiin 1.4 bilyan oo qof, waxaana dalka Shiinaha uu hadda isku dayayaa in uu soo jiito ciyaartoyda ajaaniibta ah, si ay gacan uga geystaan dedaalada ay ugu jiran inay ka qeyb qaataan, kuna guuleystaan tartanka koobka kubada cagta adduunka. Shiinaha wuxuu tartankan ka qeybgalay sannadkii 2002. Tallaabadan ay dowladda Shiinaha kula soo wareegtay laacibiinta caalamiga ah waa mid ay muddo ku hamineesay, balse aysan u suurtagelin illaa sannadkan. La soo wareegidda xirfadlayaal kubadda cagta ah oo u dhashay dalal kale waa qeyb ka mid ah qorshayaasha loo soo jeediyay Shiinaha. Marcello Lippi oo u dhashay Taliyaaniga, horeynna ugu guuleystay koobka adduunka ayaa ka tegay shaqada tababaranimada xulka Shiinaha. Wuxuu ka niyad jabay sida Shiinaha looga saaray tartanka koobka Qaramada Aasiya, balse 119 cisho ka dib dib ayuu ku laabtay shaqadaas. Hasayeeshee markii uu ku dhaqaaqay in ciyaaryahano kale uu la soo wareego waxay gudaha dalka Shiinaha ka dhalisay hadal heyn ballaaran. Yennaris iyo Elkeson waa labada ciyaartoy ee keli ah ee u dheela dalka Shiinaha sideedi sano ee la soo dhaafay. Haddaba sidee arrimahan oo kale u dhacaan? Sharciga FIFA muxuu ka qabaa? Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa dhowr qoddob oo loo baahan yahay inay eegto Shiinaha. 1. In asal ahaan uu ka soo jeedo Shiinaha Bishii Janaayo kooxda kubada cagta ee Shiinaha, Sinobo Guoan oo k amid ah kuwa ugu tunka weyn dalkaas ayaa ku dhawaaqay in ay la soo wareegeen Nico Yennaris iyo John Hou Saeter, oo labaduba loo diiwaan geliyay inay u dhasheen dalkaas. Shiinaha ayaa u muuqda in uu doonayo in uu horumariyo xirfadda kubadda cagta ee dalkaas, waxaana ciyaartoydaas ay noqdeen kuwii ugu horeeyay ee lala soo wareego taariikhda kubada cagta ee dalkaas. Labadan ciyaartoy midkoodna kuma uusan nooleyn hadda kahor dalkaas, waxaana ay u qalmaan inay u dheelaan xulka dalkaas maadaama hooyadood ay asaal ahaan ka soo jeedo dalka Shiinaha. Labadoodu ba waxay shegeen inay aad ugu faraxsan yihiin sida ay ugu biireen kooxda Qaranka ee dalkaas. Inkastoo ciyaartoyda lala soo wareego ay hadda Shiinaha ka tahay siyaasadda ciyaaraha kubada cagta, haddana ciyaartoyga wuxuu u baahan yahay in uu is muujiyo, dedaalna waynna uu sameeyo. Ujeedada ugu weyn e ay Dowladda Shiinaha ka leedahaya arrintan waxay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahayd koobka kubada cagta aduunka oo ay ugu dambeesay sannadkii 2002, xiligaas oo aysan wax gool ah aysan dhalin. Sannadkii 2005-tii, xitaa kuma aysan guuleysan in ciyaaraha ay ka qeybgalaan. Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa daaha ka rogay qorshe cusub oo lagu ballaarinayo laguna horumarinayo barnaamij lagu tababarayo dhalinyarada, si ay gacan uga geystaan mustaqbalka dalkaas, balse ciyaartoyda ajaaniibta ah waa kuwa la doonayo ""in lagu gaaro guusha msutaqbalka dhaw"". Yennaris ayaa la soo tababarty kooxda Arsenal, halka Hou Saeter-na uu ka mid ahaa koox ka dheesha dalka Norway. Labadooduba waxay usoo dheleen kooxaha da'da yar ee naadiyadaas. Warbaahinta Shiinaha ayaa bishii July kusoo warrantay in Yennaris uu heysto dhalashada Shiinaha, arrintaas oo hadda ay baareyso FIFA. Tusaale ahaan, Lionel Messi wuxuu heystaa dhalashada iyo basaboorka dalk Spain, iyadoo sidaas ay tahay, haddana wuxuu u dheelaa dalkiisa hooyo ee Argentina, balse taas oo kale kama dhacdo Shiinaha. Sharciga Shiinaha ma oggola in qofka heysta basaboorka dalkaas uu qaato dhalashada dal kale. Sannadihii ugu dambeeyay waxaa sare u sii kacayay ajaanibta u wareegeysa dhanka Shiinaha, balse tusaale ahaan, go'aanka ah in qofka uu wareejiyo basaaboorkiisa Ingiriiska ama Norway, si uu ugu dheelo xulka Shiinaha waxay muujineysa awoodda isa soo tareysa ee basaboorka dalkaas uu yeelanayo ama ugu yaraan sida dalkaas ay uga go'an tahay ka guul gaarista ciyaaraha koobka adduunka. Dhowr sano kahor, kooxaha kubada cagta ee Shiinaha ayaa lacag badan ku bixin jiray si ay ula soo wareegaan ciyaartoyda ajnabiga ah. Tusaale, Elkeson wuxuu sannadkan 2019-ka mushaar ahaan u qaadan doonaa $11 milyan oo doolar. Haddii ciyartoy Shiinaha u dhashan uusan si quman ugu hadli karin luuqadda dalkaas, ugu yaraan waa in uu leeyahay magac Shiinees ah, si marka taageerayaasha ay u yeerayaan ay ugu dhawaaqaan. Sidoo kale ciyaartoyda waxaa looga baahan yahay in uu yaqaano oo uu korka ka xifdiyo heesta astaanta Qaranka ee dalkaas, si marka la qaadayo ciyaarta kahor uu ula qaado ciyaartoyda kale. Shuruudahaas oo dhan ayaa lagama maarmaan u ah ciyaartoyda dalka Shiinaha uu kala soo wareegayo dalalka kale ee caalamka, si ay dalkaas gacan uga siiyaan ku guuleysashada tartanka Koobka Adduunka ee sannadka 2022-ka lagu qaban doono Qatar." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-49712199 +health "Sushant Singh Rajput: ""Waan ogaa dadkii kugu kallifay waxa aad sameysay""" "Muran weyn oo dhinaca caafimaadka maskaxda ah ayaa ka dhahay geerida jilaagii shirkadda filimada Bollywood-ka ee lagu magacaabi jiray Sushant Singh Rajput, oo meydkiisa Axaddii laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Mumbai. Sushant, oo markii dambe filimada caadiga ah ku biiray ayaa markii ugu horreysay kusoo caan baxay filimkii musalsalka ahaa ee ay Soomaalida sida weyn u xiiseyn jireen ee Pavitra Rishta. Magaca Manav ayuu ku jilayay musalsalkaas oo sidoo kale aad loogu xasuusto atariishada Ankita Lokhande, taasoo iyadana ku jileysay Archana. Xog dhammeystiran lagama hayo sababta ka dambeysa inuu isdilo, maadaama uusan wax farriin qoraal ah ka tagin. Hase yeeshee, filim hagaha lagu magacaabo Shekhar Kapur ayaa sheegay inuu ka war qabay walwal xoog leh oo in muddo ahba heystay jilaagaas. Wuxuu Mr Kapur aad uga qoomameeyay in uusan lixdii bilood ee lasoo dhaafay si dhow ula soconin xaaladda uu ku jiray Sushant. Filim sameeyahan ayaa sheegay inuu Sushant la niyad jabsanaan jiray sababo la xiriira dad gaar ah oo dhaawac u geystay. Qoraal qiiro leh, oo uu Shekhar Kapur soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri: ""Waan ogaa xanuunka aad ku dhex jirtay. Waan ogaa sheekada ku saabsan dad si aad ah kuu niyad jabiyay, taasoo aad mar walba iiga caban jirtay. Waxaan ka qoomameynayaa inaan xaaladdaada ka warqabi waayay lixdii bilood ee lasoo dhaafay. Waxaan ka qoomameynayaa inaan kula joogi waayay oo garab kuu noqon waayay. Waxa kugu dhacay waa ficil ay iyaga sameeyeen, ma aha wax aad adiga sameysay."" Booliska Hindiya ayaa sheegay in Sushant, oo 34 jir ahaa, uu isdilay. Qoyskiisa, oo ku sugnaa magaalada Patna, ayaa galinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Mumbai, si ay aaskiisa u qaban qaabiyaan. Shekhar iyo Sushant waxaa lagu waday inay ka wada shaqeeyaan filim lagu magacaabo Paani, kaasoo uu qorshaha ahaa inuu soo baxo sanadkii 2015-kii, laakiin ay ku gacan seyrtay shirkadda filimada soo saarta ee Yash Raj Films. Sanadkii 2016-kii ayuu Shekhar bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu aad ula dhacay qaabkii uu Sushant ugu diyaar garoobay filimkaas. ""Waxaan niyad jab weyn ka dareemayaa sida aad uga niyad jabtay Paani, laakiin waligey lama kulmin jilaa qaabka sidaas u wanaagsan ugu diyaar garoobay si uu qeyn#b uga qaato filim."" Sushant Singh Rajput wuxuu sanadkii 2013-kii dhexda uga tagay musalsalkii Pavitra Rishta kaddib markii lala dhacay qaab jilliinkiisa. Waxaa lagu ammaanay inuu muujiyay karti dheeraad ah, taasoo soo jiidatay indhaha shirkadaha filimada sameeya. Xalaqadii ugu horreysay ee Pavitra Rishta waxay soo baxday 1 June 2009, waxaana lasoo gaba gabeeyay 25 October 2014. Dhowr filim oo uu xifdaddiisa kusoo bandhigay waxaa ka mid ah PK, Raabta, MS Dhoni: The Untold Story iyo Chhichhore." https://www.bbc.com/somali/war-53053166 +health Muxuu yahay fayraska noociisa cusub ee kusii fidaya dunida? "Meelo ka mid ah caalamka ayaa laga soo tabiyay faafitaanka nooc cusub oo ka mid ah fayraska corona, kaas oo sababay cabsi hor leh. Dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa noqday kuwii ugu dambeeyay ee xaqiijiyay kiisaska nooca cusub ee fayraska, kaasoo ah mid u fidaya si ka deg deg badan sida uu faafayay Covid-19. Noocan fayraska ah - oo markii ugu horreysay lagu arkay waddanka UK - ayaa sidoo kale laga soo sheegay dalalka Kuuriyada Koonfureed, Canada iyo waddamo kale oo ku yaalla qaaradda Yurub. Dhinaca qaaradda Afrika, waddanka Koonfur Afrika ayaa looga dhawaaqay bandhow dhaqdhaaqaaqa dadweynaha ah kaddib markii la helay kiisas ka mid ah nooca cusub ee fayraska, kuwaasoo si deg deg badan u fidaya. Qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa dhawaan UK kusoo rogay xayiraad dhinaca safarka ah, iyagoo mamnuucay in diyaaradaha kasoo baxa halkaas ay waddamadooda soo galaan. Hindiya ayaa isbuucii lasoo dhaafay ka mid noqotay dalalka joojiyay duullimaadyada UK. Lix kiis oo nooca cusub ee fayraska ah ayaa ilaa hadda laga xaqiijiyay gudaha Hindiya. Mas'uuliyiinta dalkaas ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in lixda ruuxba ay yihiin dad safar uga soo laabtay UK, haddana karantiil la galiyay. Ma jirto caddeyn loo hayo in nooca fayraska ee hadda fidayo uu yahay mid ka halis badan kii horay u jiray, inkastoo arrintaas ay u baahan tahay in isha lagu hayo. Barfasoor Chris Whitty oo ka mid ah la taliyeyaasha dhinaca seyniska ee UK ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cabsi laga qabi karo in noocan uu khatar gaar ah leeyahay. Hase yeeshee waxaaba isbitaallada dhib ugu filan in uu u faafayo si ka dhakhso badan sida fayraska noociisii hore. Waxay aad ugu badan tahay in noocan fayraska ah uu wax ka tarayo tallaalka la helay ee Covid-19, mana jiro shaki laga muujiyay in uu ka badbaadi karo saameynta dawo ee tallaalka. Dhammaan saddexda tallaal ee ugu waaweyn dawooyinka la hayo waxay leeyihiin unugyo difaaca jirta awood u siinaya inuu iska celiyo fayraska. Tallaalku wuxuu sidoo kale difaaca jirkeenna u tababarayaa nidaam uu ku weerari karo qeybaha uu fayraska soo galay, sida uu sheegay Barfasoor Ravi Gupta, oo ka tirsan jaamacadda Cambridge. ""Laakiin haddii aan u oggolaanno in awoodda fayraska ay sii badato, lagana hortagi waayo, kaddib wuxuu billaabi doonaa in tallaalka uu iska caabiyo,"" ayuu yidhi seynisyahanka. Dowladda Iiraan ayaa bilowday tijaabada tallaal cusub oo lagu sameeyay gudaha dalkaas, sida ay shaaciyeen warbaahintooda maxalliga ah. Tayebeh Mokhber, oo ah gabadh uu dhalay sarkaal sare oo lagu magacaabo Mohammad Mokhber, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee tallaalka lagu duro maanta oo Talaado ah. ""Tani waa farriin aan shacabka ugu direyno in aan aaminsan nahay waxa aan dadkeenna ku dureyno, haddii uu dhib ka imaadana aan raalli ku nahay dhammaanyeen,"" ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka ee dalka Iiraan, Saeed Namaki, oo ka hadlayay telefishinka dowladda. Mr Mokhber, ayaa dhanka kale sheegay in in dalkiisa uu awood u yeelan doono inuu isbuucyo gudahood kusoo saaro 1.5 milyan oo tallaal oo bil kasta la isticmaali doono. Ku dhawaad 55,000 oo ruux ayaa Iiraan uga dhimatay fayraska corona tan iyo markii uu dillaacay cudurka safmarka ah, waana tirada dhimasho ee ugu badan guud ahaan dalalka Bariga Dhexe. In ka badan 1.2 milyan oo ruux ayuu waddankaas ku haleeyay xanuunka. Hoggaamiyeyaasha Iiraan ayaa laga soo xigtay inay sheegeen in cunaqabateynta uu Mareykanka saaray ay ka hor istaageyso inay helaan tallaalka la aqoonsan yahay ee caalamka loo soo saaray, inkastoo cunaqabateynnadu aysan diideynin dawooyinka iyo gargaarka bani'aadannimo. Xukuumadda Tehran ayaa horay u saxiixday heshiiska Hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO, taasoo hadda ay shaqadeedu tahay in ay caalamka gaarsiiso tallaalka Covid-19. Guud ahaan dunida, cudurka Covid-19 oo soo billowday horaantii sanadkan 2020-ka ayaa inta la xaqiijiyay ku dhacay dad ka badan 81 milyan oo ruux, halka ku dhawaad 1.8 milyan oo qofna ay u geeriyoodeen ilaa hadda." https://www.bbc.com/somali/war-55476390 +religion Mansa Musa: Waa kuma ninka Muslimka ah ee noqday qofkii ugu taajirsanaa ee dunida soo maray? "Liiska dadka hadda ugu taajirsan dunida waxaa ka dhex muuqda Jeff Bezoz, Elon Musk iyo Bill Gates, laakiin marka hantidooda oo dhan la isku wada daro kuma dhawaaneyso dhaqaalihii uu heystay ninkii lagu tilmaamay inuu ahaa bani'aadankii ugu taajirsanaa ee soo maray dunida, taariikhda la ogyahay. Mansa Musa wuxuu ahaa boqor ka talin jiray waddanka Mali oo ku caan baxay inuu si xad dhaaf ah u heystay hantidii ugu qaalisaneyd xilligaas oo ahayd Dahabka. Mansa Musa wuxuu boqortooyo heystay qarnigii 14-aad, sida cajiibka ah ee uu dahabka u heystay ayaana ka dhigtay qofkii ugu taajirsanaa ee abid kusoo noolaada caalamka. Wuxuu dhaxlay boqortooyadii uu ka tagay walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Mansa Abu Bakar, kaasoo safar uu badda ku aaday aad dib uga soo laabanin. Musa wuxuu markaas kaddib sii kordhiyay hantidii ilaa ay ka gaartay heer aan xisaab lahayn. Hase yeeshee ninkan ma aha mid baal dahabi ah uga jira taariikhda waddamada reer Galbeedka. Wuxuu ahaa nin heysta diinta Islaamka, mid ka mid ah waajibaadka u yaallayna wuxuu ahaa inuu soo xajiyo. Safarkiisii Maka Inkastoo boqortooyadii Mali ay saldhig u ahayd dahab faro badan, haddana boqortooyada laf ahaanteeda aad caan uma ahayn. Laakiin arrintan waxay isbaddashay markii uu Mansa Musa, oo muslim ahaa go'aansaday inuu soo xajiyo, isagoo sii maraya lama degaanka Sahara Desert iyo Masar. Waxaa lagu soo warramay in Boqorku uu Mali kala tagay wafdi ay tiradoodu gaareysay 60,000 oo rag ah. Waxaa raacay dhammaan saraakiishii boqortooyadiisa, askartiisii, majaajileystayaashiisii, ganacsatadiisii, wadeyaashiisii gaadiidka geela iyo 12,000 oo addoomo ah. Waxaa sidoo kale raacay ari aad u faro badan oo isugu jiray riyo iyo ido. Marka taariikhda looga sheekeynayo waxaa lagu tilmaamaa in safarka boqorku uu ahaa magaalo guureysay oo dhex mareysay Saxaraha. Qaahira markii ay gaareen 1324-kii, magaalada caasimadda u ah Masar waxaa qaatay duufaan dhaqaale oo ahayd mid ka mid ah kuwii ugu darnaa ee ay shacabkeeda abid arkaan. Mar qura waxaa magaaladii buux dhaafiyay kumannaan qof oo afrikaanka madow ah oo isugu jira ciidamo madow ah, muusikiisteyaal, ganacsato, aqoonyahanno iyo adoomo dhammaantood wada heysta dahab xad dhaaf ah. Xitaa geela iyo fardaha safarka la socday waxaa ku raarnaa dahab. Dadkii saboolka ahaa ee magaalada ayaa loo qeybiyay dahab iyo lacag aad u badan. Sidoo kale waxay sameeyeen ganacsi deg deg ah oo ay dadka badeecooyinkooda uga baddalanayeen dahabka ay wateen. Sida uu u badnaa dahabka la bixiyay awgeed waxaa dhulka galay dhaqaalihii magaalada Qaahira, dibna uu usoo kabsan waayay muddo 10 sano ah. Musa wuxuu Masar galay isagoo ku fadhiya kursi dahab ah, dharkiisu ay dahab yihiin, ul dahab ka sameysanna gacanta ku heysta. Dr Rudolf Ware, oo ka tirsan Jaamacadda California, ayaa sheegay in hantida Musa ay gaartay heer aan la qiyaasi karin. ""Siyaabo kala duwan ayaa dhaqaalihiisa loo cabiray waxaase la isku raacay in uu gaarsiisanaa heer uusan wax saameyn ah ku yeelaneynin hoos u dhaca laga dareemo dhaqaalaha dunida inteeda kale. Si sax ah looma garanayo inta ay la ekeyd lacagtiisa, ma waxay ahayd $400 bilyan, $500 bilyan, $600 bilyan... dadku waxba kama yaqaannaan tirada,"" ayuu yidhi. Markii uu kasoo laabtay xajka wuxuu Mali iyo deegaannadii ku xeernaa ee uu maamulkiisa gaarayay ka billaabay maalgalin lagu xoojinayo aqoonta diinta Islaamka. Wuxuu dhisay masaajidyo badan iyo jaamacado. Aqoonyahanno isaga kala imaanayay dunida meelaheeda kala duwan ayaa u tagayay Mali si ay wax uga bartaan Culuumta islaamiga ah iyto shareecada. Boqortooyadii Mali sare ayay usii kaceysay inta badan waqtigii uu noolaa Musa. Xitaa markii uu dhintay kaddib - oo lagu qiyaasayo inay ahayd 1337-kii - boqortooyadu waxay kusii hor martay intii ay gacanta ku hayeen wiilashiisii. Hase yeeshee markii ay kordheen boqortooyooyinka kasoo hor jeeday ee cadowga ku ahaa sidoo kalena ay bateen xeeladihii ganacsiga adduunka, boqortooyadii Musa uu ka geeriyooday waxay billowday hoos u dhac qarnigii 15-aad. Inkastoo uu dhaxal layaab leh uga tagay adduunka, Mansa Musa laguma xuso culuumta taariikhda ee laga bixiyo waddamada Mareykanka iyo Yurub. Kathleen Bickford Berzoc, oo ka tirsan Madxafka farshaxanka iyo taariikhda ee ""The Block Museum Art"" ayaa arrintaas ku micneysay mid salka ku heysa marxaladihii ugu adkaa ee soo maray Afrika. ""Nidaamnii gumeysiga iyo ganacsigii adoomada ee Atlantic-ga ayaa saameyn aad u weyn ku leh habka ay Mareykanka iyo reer Yurub u wajahaan taariikhda qaaradda Afrika iyo shakhsiyaadka soo maray Afrika,"" ayay tidhi." https://www.bbc.com/somali/war-56765008 +health Xaaladda corona ee Hindiya: Maxay tahay carada uu kiciyay Anupan Kher(Aw Baska)? "Dadka Baraha Bulshada ayaa si weyn uga carooday hadal uu Twitter-ka ku shaaciyay Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka ee lagu magacaabo Anupan Kher, xilli Hindiya ay la daalaadhaceyso musiibada ba'an ee ka dhalatay cudurka safmarka ah ee corona. Ninkan oo ay Soomaalida filimada daawata u yaqaannaan ""Aw Baska"" ayaa u badan majaajilada iyo doorka laadarnimada, wuxuuna ka mid yahay rug caddaayada Bollywood-ka ee saameynta leh. Carada iyo buuqa uu kiciyay Anupan Kher ayaa billaabatay kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray jawaab uu ku difaacayay Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo la kulmaya dhaleeceyn xoog leh oo ku aaddan sida uu ula tacaalayo dhibaatada ka dhalatay cudurka safmarka ah. Si gaar ah wuxuu ula hadlayay wariyaha rug caddaaga ah ee lagu magacaabo Shekhar Gubta, oo eedeyn kulul dhawaan u jeediyay dowladda Modi. Shekhar Gubta ayaa markii hore soo qoray: ""Laga soo billaabo markii aan carruurta ahaa sanadihii 1960-meeyadii, waan soo arkay xasarad kasta, oo ay ku jiraan saddex dagaal oo waaweyn, cunto yari, dhibaatooyinka cilimada. Tani waa xaaladdii noogu darneyd Hindiyana waligeed ma aysan arkin dowlad aan waxba ka qaban karin arrintanoo kale. Ma jiraan xarumo la waco, ma jiro qof lala xisaabtamo oo la heli karo. Waa dowlad jabtay."" Anupan Kher oo ka jawaabayay qoraalkaas ayaa Twiiter-kiisa soo dhigay qoraal ku qornaa luuqadda Hindiga oo uu ku yidhi: ""Mudane Shekhar, arrintan aad bay u weynaatay. Adiga heerkaaga ayay la mid tahay. Musiibada corona waxay heysataa caalamka oo dhan. Waligeen ma aynaan wajihin cudur safmar ah. Dhaleeceynta dowladda waa muhiim. La xisaabtan. Laakiin innaga lafteenna mas'uuliyad ayaa naga saaran inaan la tacaalno. Waxba ha argagixin. Modi unbaa soo laabanaya !! Guuleyso!"" Durbadiiba waxaa baraha bulshada qabsaday fal celinta laga bixinayo hadalka Anupan Kher oo dad badan ka careysiiyay hadal heyn aad u ballaaranna abuuray. Dadweynaha baraha bulshada ayaa billaabay inay eedeeyaan Anupan Kher, halka qaarkoodna ay ku maadeysanayaan. Waxay ku tilmaameen inuu yahay ""nin mar walba cabsan oo taageersan Modi"" xaalad kasta oo taagan iyo xitaa waqtigan lagu jiro dhibaatada adag ee ka dhalatay Corona. Qof ciwaankiisa Twitter-ka yahay Myra ayaa Twitter-keeda soo dhigtay sawirro muujinaya Anupan Kher oo telefoon ku hadlaya, waxayna qaab maad ah u sheegtay in uu la hadlayay Modi uuna u sheegayay sida uu u taageeray."" Way sii xoogeysatay hadal heynta oo sii socotay ilaa ay dad aad u badan kusoo biireen. Qof kale ayaa soo qoray: ""Anupan Kher wuxuu muujiyay wajigiisa dhabta ah."" Dadka qaar ayaa hadalka Anupan Kher u fasirtay mid jees jees ah. Qof ayaa soo qoray: ""Qoraalka Anupan Kher uu taageerada indho la'aanta ah ugu muujiyay Modi wuxuu caddeynayaa in waddanka ciyaar ciyaar laga dhiganayo."" Dalka Hidniya ayaa xaalad adag galay kaddib markii mowjadda labaad ee corona ay ugu fidday si baahsan. Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa gobollada waddankaas laga soo tabinayay kiisaska ugu badan, iyadoo tirada dhimashadana ay aad sare ugu kacday." https://www.bbc.com/somali/war-56890852 +politics Maxamed Bin Salmaan badbaado maka heli doonaa Biden? "Madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii dagaya, Donald Trump ayaa horay loogu eedeynayay inuu dhagaha ka fureystay xad-gudubyo bani'aadannimo oo lala xiriiriyay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, balse waxaa su'aalo la iska weydiinayaa waxa uu noqon karo mowqifka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden. Warbixin uu daabacay wargeyska ""Washington Post"" ayaa lagu sheegay in maamulka Donald Trump uu ka arrinsanayo sidii uu u aqbali lahaa codsi uga yimid Amiir Maxamed Bin Salmaan, kaasoo ku aaddan in dhaxal sugaha Mareykanka laga siiyo xasaanad ka ilaalineysa in dacwado looga soo oogo gudaha waddankaas. Arrintan ayaa cirka kusii shareertay muranka la xiriira tallaabooyinka uu qaado Maxamed Bin Salmaan iyo sida ay arriahaas u wajihi doonto dowladda cusub ee uu hoggaamin doono Joe Biden, oo ah nin ka soo jeeda xisbiga Dimuqraaddiga, aadna uga mowqif duwan Donald Trump. Codsiga xasaanadda ayaa, sida uu sheegay Washington Post, waxaa diiradda lagu saaray kiis ka dhan ah bin Salmaan oo uu Mareykanka u gudbiyay Sacad al-Jabri oo horay u ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray sirdoonka Sacuudiga, haddana isagoo baxsad ah ku nool waddanka Canada. Wargeyska ayaa intaas ku daray in ilo uu aqoonsigooda qariyay uu kasoo xigtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay qareennada Sacad ka dalbatay inay usoo gudbiyaan warqadaha dhinaca sharciga ee caddeynaya kiiskooda, si ay go;aan uga gaarto in la aqbalo codsiga xasaanadda ee Bin Salmaan, xilli waaxda caddaaladda ee Mareykankana ay tix galineyso in ay kiiskaas furto. Markaas wixii ka dambeeya waxaa la filayaa in waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay codsi u dirto mas'uuliyiinta waaxda Caddaaladda, kuwaasoo go'aankoodu uu yahay heer federaal. Haddii ugu dambeyn la hirgaliyo xasaanadda Bin Salmaan, waxay micnaheeda tahay in magaciisa laga saari doono kiis walba oo uu Mareykanka ku lug leeyahay. Kiisaska ugu waaweyn ee uu markaas bin Salmaan ka badbaadi doono waxaa ugu horreeya kan khuseeya dilkii wariyihii u dhashay Sacuudiga ee lagu magacaabi jiray Jamaal Khaashuqji. Sida ay qabaan dadka wax falanqeeya, haddii uu dhab yahay warka ku saabsan codsiga Sacuudiga ee xasaanadda loogu raadinayo Maxamed Bin Salmaan, wuxuu caddeyn u yahay warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in maamulka Sacuudiga ay ka walaacsan yihiin waxa uu noqon doono mowqifka mas'uuliyiinta cusub ee Aqalka Cad ay ka qabaan arrimaha Sacuudiga. Lama oga waxa uu Joe Biden ka yeeli doono eedeymaha faraha badan iyo dacwadaha ay hayadaha xuquuqda aadanaha ka qabaan dhaqdhaqaaqyada dowladda Sacuudiga. Arrimaha ugu waaweyn ee farta lagu fiiqayo waxaa ka mid ah xad-gudubyada lagu geystay dagaalka Yemen iyo xaqiiqda ku aaddan dilkii wariye Khaashuqji. Kiiska dhinaca xuquuqda aadanaha ee la xiriira dhacdadii lagu dilay Jamaal Khaashuqji wuxuu horseedi karaa xaalad adag oo soo wajahda maamulka Sacuudiga, gaar ahaan marka la eego arrinta uu wargeyska Washington Post ku tilmaamay ""in horay Joe Biden uu wacad ugu maray inuu ka fiirsan doono xiriirka xukuumadda Riyaad."" Inkastoo Jamaal lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Tukriga, haddana Mareykanka ayaa lagu dhaliilay inuu qariyay xogo muhiim ah oo ku saabsan dhacdadaas. Kiiska dilka wariyahaas, oo dibad joog muddo ku ahaa Mareykanka, ayaa lagu qaaday gudaha waddanka Sacuudiga, laakiin wali lama qabsanin Maxamed Bin Salmaan oo lagu dhaliilsan yahay inuu bixiyay amarka." https://www.bbc.com/somali/war-55415053 +sports Rejadii kooxda Manchester City ee Champions League oo burburtay Rejadii kooxda Manchester City ay ka lahayd horyaalka Champions League ayaa burburtay xalay ka dib markii kooxdan ka dhisay dalka Ingiriiska ay guuldaro kala kulantay kulankii ay la dheeleen kooxda Lyon. Ciyaartan oo xalay ka dhacday Lisbon ayaa ku soo idlaatay guuldarada Manchester City ka dib markii ay kooxda Lyon seddex gool ku garaacday Manchester. Kooxda Manchester City ayaa waxaa u suuragashay in ay hal gool oo kali ah ay dhaliyaan intii ay ciyaartu socotaym, inkastoo ay fursado badan lumiyeen. Bilowgii ciyaarta ayaa waay kooxda Manchester City u muuqtay mid ay ciyaar wanaagsan ku soo bandhigeen. Balse qeybtii dhexe iyo qeybihii dambe ee ciyaarata ayaa waxaa gacanta sare yeeshay naadiga Lyon ee dalka Faransiiska . Laacibka lagu magacaabo Maxwell Cornet Lyon ayaa goolkii kowaad daqiiqadii 24 u dhaliyay kooxda Lyon. Balse markii ay ciyaartu mareysay daqiiqadii 69-aad ayaa waxaa Maxwell Cornet,uu dhaliyay gool labaad. Balse kooxda Lyon ayaa mar kale soo rogaal celisay oo waxaa ay daqiiqaddii 87 ay dhaliyeen goolkii saddexaad. Tababaraha kooxda Manchester Pep Guardiola ayay xalay u ahayd guuldaradani mid uu qaadan waayay. Waa markii labaad oo ay kooxda Manchester City ku guuldarreysanayso inay gaarto afar dhammaadka Champions League, sidaa ayayna xalay tartanka uga hartay. Kooxda Lyon ee faransiiska ayaa dhankeeda u gudubtay afar dhammaadka Champions League markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2009/10. https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-53796551 +health Tallaalka Covid-19: Maxaa kala heysta tallaalka corona iyo dadka irbadda ka cabsada? "Olole tallaal oo ka dhan ah Covid-19 ayaa laga billaabay waddanka UK, maalintii Talaadada. Halka ay dowladdu ku dadaaleyso inay yareyso cabsida ay dadku ka qabaan cudurkan, dadka qaarna waxay qabaan cabsi kale oo taas ka duwan - waana irbadaha. ""Madnaha ayaa i boodboodi jiray. Niyadda waxaan iska dhihi jiray, 'isdaji, wax dhib ah kuma soo gaarayo' laakiin sidoo kale, waxaa kugu dhacaya argagax, dhib weyn ayaa runtii kaasoo gaadhaya'. Haddana ma taqaanid qofka, sidaas darteed ma aamini kartid'. Waxaan ku fikiri jiray sidii aan uga baxsan lahaa irbadda."" Raelene Goody, oo 31 jir ah, oo qabta cudur sanbabbada ku dhaca oo la kala dhaxlo iyo dhibaatooyin dhinaca dheefshiidka ah, waxay mar walba u baahataa in la duro, dawooyinka ay qaadatana waxaa ka mid ah tallaal sanadkiiba hal mar loo siiyo ka hortagista hargabka. Laakiin intii ay da'deeda u dhaxeysay afar sano ilaa ku dhawaad labaatan sano, waxay soo martay dhibaato aad u weyn oo ay u sababtay cabsida irbadaha, taasoo xitaa ""ay la jareyn jirtay"", inta badanna waxaa la siin jiray dawo lagu seexiyo. ""Cabsida aan dareemayay waxay la mid tahay sida marka aad ka baqeyso caarada iyo masaska oo aad dooneyso inaad ka cararto. Waa dareen kaas la mid ah, waxay uga duwan tahay oo kaliya in ay irbad tahay,"" ayey tidhi. ""Waxaa la ii sheegay in aan mar aabbeheey wariga feer uga dhuftay, laakiin anigu gabi ahaanba ma xasuusto marxaladdaas."" Dhibaatada cabsida irbadda ee ay Raelene qabtay markii ay yareyd ma aha wax dhif ah. Dad kale oo badan ayaa qaba cabsi noocaasoo kale ah oo ay ka dareemaan irbadaha. Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in xaaladdaas cabsida ah ay heer sare joogto xilliga carruurnimada, ayna sii yaraato mar walba oo ay qofka da;diisa sii kororto. Laakiin sidaasoo ay tahay, waxay saameysaa 10% ka mid ah bulshada, sida ay sheegtay hayad samafal ah oo ka shaqeysa arrimaha la xiriira dareenka shacabka. Inkastoo ay Raelene cabsi xoog leh ka qabtay irbadaha, haddana sanad walba waxay qaadan jirtay tallaalka ka hortagga hargabka, waxaana mararka qaar saacado badan lagu bixin jiray in hal irbad lagu duro. ""Waan ku khasbanaa inaan qaato tallaalkaas. Haddii anigoo aan la iga turin hargabka uu igu dhaco wuxuu iiga darnaanayaa caabuqa feeraha ku dhaca, kaasoo joojin kara shaqada sanbabbada haddii uu ku dhaco dadka xanuunkeyga oo kale la nool, xitaa waxaa suuragal ah inaan u geeriyoodo,"" ayey tidhi. Waxay gabadhan ku jirtaa dadka mudnaanta koowaad loo siiyay tallaalka Covid-19, maadaama ay ku jirto dadka halista ugu weyn ugu jira cudurkaas, xanuunka ay la nooshahay awgiis. Waxay sheegtay in ay heli jirtay qaab loogu duri jiray tallaalka hargabka xilligii ay cabsida ugu badan qabi jirtay ee ay yareyd. Kalkaaliso bashaash ah ayaa guriga ugu tagi jirtay, waalidiinteedana waxay u garab istaagi jireen si ay u dareensiiyaan in ay difaacayaan. Hadda way dhaantaa sidii hore, wayna ku khasban tahay in la siiyo tallaalka Covid-19. Xilligan hadda la joogo, ma jiro wax kale oo lagu baddali karo irbadda. Dhammaan tallaallada Covid-19 waa in lagu qaato irbad ahaan. Ma laga yaabaa in dadka qaar ay iska dhaafaan tallaalka fayraska corona, cabsida ay irbadda ka qabaan awgeed? Waaxda Caafimaadka ee UK ma aysan soo saarin wax talooyin ah oo ku aaddan cabsida isbadaha xilligan la sameynayo ololaha tallaalka coronavirus. Dadka xaaladaha noocaas ah qaba waa inay la xiriiraan dhakhaatiirtooda, sida ay qabto hay'adda caafimaadka England ee NHS, taasoo laga dhowrayo inay maalmaha soo socda soo saarto talooyin ku saabsan tallaalka. Barfasoor Heidi Larson, oo hoggaaminaya mashruuca kalsoonida Tallaalka ee ay waddo Xarunta fayo dhowrka caafimaadka ee London, ayaa sheegay in cabsida irbadaha ay si guud dhibaato ugu tahay dadka tallaalka u baahan, ayna suuragal tahay inay caqabad ku noqoto habsami u socodka tallaalka Covid-19. Laakiin lama filayo inay saameyn aad u weyn ku yeelato ololaha Tallaaka ama ay gabi ahaanba hor istaagto." https://www.bbc.com/somali/war-55260778 +business "Xatooyada Dheymanka: Haweeney ""si khiyaano ah"" u xaday luul badan oo ay dhagxaan ku bedeshay" "Lulu Lakatos, oo ah haweeney 60 sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay in ay iska dhigtay khabiir ku takhasusay qiimeynta nooc ka mid ah macdanta oo ka soo socota shirkadda Boodles ee bartamaha magaalada London. Garsooraha Maxkamadda ayaa lagu war galiyay in Lakatos ay qiimeyn ku sameysay toddoba nooc oo dheeman ah oo yaallay xarun ku taalla wadada Bond street ee London, ka dib ayey ku ridatay boorsadeeda. ""Balse markii la furay boorsadeeda waxaa ku jiray toddoba dhagax oo aad u yaryar,"" sida loo sheegay maxkamadda Southwark Crown. ""Dheemanka waxaa xaday eedeysanaha oo adeegsatay qaab khiyaano ah,"" ayuu yiri dacwad ooge Maxkamadda Philip Scott. Lakatos, oo asal ahaan ka soo jeedda dalka Romania, laakiin hadda haysata dhalashada Faransiiska, ayaa iska fogeeysay in ay wadday shirqool wax lagu xadayo, bishii March 10-keedii, sannadkii 2016-kii. Maxkamadda ayaa loo sheegay in bishii February, 2016, in guddoomiyaha Boodles, Nicholas Wainwright, uu baaray nin la yiraahdo Siman Glas, oo tilmaamey inuu daneynayo inuu gato guri ku yaalla deeganka aad qaaliga u ah, si uu ugu isticmaalo maalgashi ahaan.Labadan qof ayaa ku kulmay Monaco bishii xigtey, halkas oo Wainwright lagu barey ninka ay shirkadda yihiin ee Glas, oo ah qof u dhashey Ruushka, magaciisa reer Raashiyana uu yahay, Alexander, iyadoo iibinta toddobo shay oo dheeman qaali ah lagu heshiiyey, ka dib wadahadal dheer. Anna, oo ah qof Dahable ah, ama ka ganacsada, ayaa dalbatay in baaritaan lagu sameeyo dhagxaanta ay doonayeen in ay iibsadaan, kahor inta aan la galin heshiiska beeca, oo aaney la wareegin shirkadda Boodless, illaa iyo inta ay qolada kale ee Gems helayaan lacagtooda.Lakatos ayaa lagu eedeeyey in ay isu ekeeysiisay Anna - haweeney qiimeysa in luulka uu dhab yahay iyo in kale - waxaana soo raacay kuwo ka ganacsada dahabka, waxeyna ku sugeen qol kale, 10-kii bishii March, waxayna kala ahaayeen dad lagu kala magacaabay Wainwright iyo Emma Barton, waxayna sheegteen in ay leeyihiin shirkad wayn. Stotta ayaa sheegay in Lakatos ay dooneysay inay baarto oo qiimeyn ay ku sameyso toddobada dheeman, ka dibna waxay ku duubtay warqad yar, waxayna galisayna sanduuq loo adeegsado qarinta walaxa yaryar - gudihiisa waxa ku jiro ma muuqaneynin. Scott waxaa uu sidoo kale sheegay in Lakatos ay dharka ku bedelatay meel maqaayad ah, ayna xiratay jaakad madhoow. Waxaa ayna baasaboorkeeda u adeegsatay inay kaga baxdo London. Lakatos waxaa lagu xiray dalka Faransiiska ka dib markii bishii September loo jaray warqad lagu soo xirayo, waxaana dib loogu celiay Britain." https://www.bbc.com/somali/war-57946897 +politics Madaxweyne Joe Biden oo Farrin adag u diray Shiinaha iyo Ruushka "Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen labada aqal ee baaralamaanka dalkaasi waxa uu kaga warbixiyay wixii u qabsoomay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay xukunkiisa. Khudbaddiisii ugu horraysay ee uu labada aqal oo wadajira uu u jeediyay madaxweyne Biden ayaa waxa uu ku soo bandhigay qorshayaal lagu abuurayo shaqooyin, waxbarashada iyo adeegga bulshada. Hasayeeshee qorshayaashaas ayaa waxaa aad uga soo horjeeda Xisbiga Jamhuuriga. Wuxuu khudbaddiisa ku bilaabay inuu muujiyo waxa uu ku tilmaamay guuulaha tallaalka ee Mareykanaka taasoo wadada u xaaraysa in dib loogu laabto noloshii caadiga ahayd bilaha soo socda. Wuxuu ku faanay in boqollaal kun oo shaqo oo cusub la abuuray 100-kiisii maalmood ee ugu horreeyay iyo sidoo kale in dhaqaalaha uu sare u kacay. Wuxuu sheegay in maalgelintii dhowaan la ansixiyay ay gacan ka geysan doonta yareynta saboolnimada carruurta Mareykanka. Biden wuxuu xildhibaannada u sheegay inay tahay inay tallaabo ka qaadaan - ama ugu yaraan ka doodaan - dib-u-habeynta socdaalka sababtoo ah waa hadal haynta shacabka Mareykanka. ""Aan joojino dagaalkeena badan ee la xiriira socdaalka,"" ayuu yidhi. Maamulka biden ayaa la taacalaya qulqulka muhaajiriinta ee ka soo galaya soohdinta Mareykanka iyo Mexico, iyagoona dib u celinaya dadka qaangaarka ah iyadoo lagu saleynayo siyaasadaha xilligii Trump hase yeeshee waxay qaateen tiradii ugu badneyd ee dadka waaweyn ee aan lala socon. Waxuu soo jeedisay dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyo xagga socdaalka isagoona carrabka ku dhuftay in qiyaastii 11 milyan oo qof oo aan sharciyeysnayn la bilaabo hannaankii sharci lagu siin lahaa si ay u muwaadiniin Mareykanka ah. Dhanka kale madaxweyne Biden oo ka hadlayay waddamada uu loollanka kala dhacxeeya ayaa sheegay In Mareykanka uusan gacmaha ka laaban doonin, shiinuhuna ma sii wadan doono hormarkiisa. Halka dhanka Ruushkana uu sheegay in Mareykanka uusan marnaba uga sii dari doonin xaaladda madaxweyne Putin hase yeeshee wuxuu yiri tallaabooyinka xukuumadda Moscow waxay yeelan doonaan kuwa cawaaqib xumo reeba. Wuxuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyay, isagoo u weecday weerarkii 6-dii Janaayo lagu qaaday Xarunta Capitol ee Mareykanka iyo khatarta dimuqraadiyadda ee waddammada kaligii taliyaasha ay majaraha u hayaan. Wuxuuna dadka Mareykanka u xaqiijiyay in Mareykanku guuleysan doono. Maamulka Biden wuxuu si aad ah uga hadlay baahida loo qabo in la raaco xayiraadaha Covid-19, gaar ahaan xirashada maaskarada ama af xirka iyo kala fogaanshiyaha ugu yaraan 2 mitir. Taasi waxay madaxweynaha iyo kooxdiisaba ka dhigeysaa mid ay si fudud u dhaleeceeyaan dadka dhaliila marka aysan raacin xeerarkaas laftooda. Intii ay socotay khudbadda Biden, sharci-dajiyayaashu waxay kala fadhiyeen meelo kala gooni ah oo ka mid ah gudaha aqalka, iyagoo afka u xiran yahay. Hase yeeshee, markii ay dhammaatay khudbadda madaxweynaha, waxay isugu soo urureen inay madaxweynaha hareereeyaan oo ay waqti la la qaataan xildhibaano kale. Andrew Clark, oo ahaa arday ka soo qalin jabiyay maamulka Trump, ayaa si deg deg ah ugu timaamay hab dhaqan aan wanaagsanayn." https://www.bbc.com/somali/war-56924784 +politics Maraykanka oo u carooday Sacuudiga, tallaabo ay qaaday Riyaadh awgeed "Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa dib u qiimeyn ku sameyn doona xiriirka uu dalkiisa la leeyahay Sacuudi Carabiya, kadib markii uu ururka OPEC+ shaaciyay todobaadkii hore inuu dhimayo soo saaridda shidaalka. John Kirby oo u hadlay Golaha Amniga Qaranka Maraykanka ayaa sheegay in go’aankaas uu gaaray ururka ay ku midaysan yihiin dalalka soo saara shidaalka uu horseeday tallaabada uu qaadayo dalkiisa. ""Madaxweyne Biden waxa uu si cad u sheegay inuu doonayo in dib u eegis lagu sameeyo xiriirka aanu la leenahay Sacuudiga, gaar ahaan marka la eego go’aanka OPEC+,” ayuu Kirby ku yiri waraysi uu siiyay CNN. Maraykanka ayaa u arka go’aankaas lagu dhimayo soo saaridda shidaalka mid dan u ah Ruushka, oo shidaalkiisa laga xannibay qeybo kamid ah caalamka, cunaqabateynta saaran dalkaas awgeed. Kirby ayaa intaa raaciyay in Madaxweyne Biden uu kala shaqeyn doono Congress-ka dalkiisa sidii wax looga bedali lahaa heshiisyada uu waddankaas haatan la leeyahay Boqortooyada Sacuudiga. ""Ma aha arrin ku kooban dagaalka Ukraine ee waxa ay sidoo kale taabanaysaa danaha amni ee Maraykanka,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Go’aanka OPEC+ ayaa sare u kac ku keeni kara qiimaha shidaalka ee gudaha Maraykanka, iyadoo dalkaas ay doorashada xilliga dhexe ka dhici doonta bisha November. Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ayaa doonaya in Washington ay hakiso heshiiska iskaashiga amniga ee kala dhexeeya Sacuudiga, isla markaana la joojiyo hubka uu Maraykanka ka iibiyo xukuumadda Riyaadh. Senatar Bob Menendez oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ahna gudoomiyaha golaha xiriirka dibedda ee aqalkaas ayaa ku eedeeyay Sacuudiga inuu si toos ah ula saftay Ruushka oo ku duullay Ukraine. “Ma jiro qaab aad labada dhinacba u wada taageeri karto. Waa in aan la safato dunida inteeda kale ee doonaysa in laga hortago dembiile dagaal oo uu ujeedkiisu yahay inuu tirtiro dal dhan, mise in aad isaga taageerto. Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo eeganaysa dano dhaqaale ayaa qaadatay go’aanka dambe,” ayuu yiri Senatar Menendez. Waxa uu ku baaqay in la joojiyo dhammaan iskaashiga uu Maraykanka la leeyahay Sacuudiga. Haddii la yareeyo soo saaridda shidaalka, waxaa markaa sare u kacaya qiimihiisa, taasoo dan u ah dalalka dhoofiya ee ay kamidka tahay Boqortooyada Sacuudiga. Arrintan ayaa caqabad ku ah Madaxweyne Biden oo bilihii la soo dhaafay waday dedaallo uu ku wanaajinayo xiriirka kala dhexeeya Boqortooyada Sacuudiga." https://www.bbc.com/somali/articles/c51gx45dek2o +sports Roman Abramovich: Vladamir Putin ma wuxuu bixiyay lacagtii lagu iibsaday kooxda Chelsea? "Maxkamad fadhigeedu yahay waddanka UK ayaa billowday dhageysiga kiis ku saabsan in milkiilaha kooxda Chelsea, Roman Abramovich, uu madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin ka soo qaatay lacagtii uu ku iibsaday kooxdiisa Chelsea. Arrintaas waxaa lagu xusay buug sanadkii hore laga qoray howlaha ay ku lug yeelato madaxtooyada Ruushka iyo sida ay u xoojiso saameynteeda. Qareenka u doodaya Abramovich ayaa meel ka dhac ku tilmaamay sheegashada ku saabsan in ganacsadahan uu ""xiriir musuqmaasuq ku saleysan"" la leeyahay Putin, uuna ""si toos ah uga amar qaatay"" markii uu galayay heshiisyo ganacsi oo waaweyn, sida kii uu ku iibsaday kooxda kubadda cagta Chelsea ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska. Isagoo ka hadlayay dhageysiga hordhaca ah ee maanta loogu diyaar garoobayay dacwadda maxkamadda sare ayuu Hugh Tomlinson sheegay in bilyaneerka 54 jirka ah uu arrintan ""u arko mid aan sahlanayn"" una fahansan yahay inay weerar ku tahay shaqada ay wariyeyaasha u hayaan bulshada. Roman Abramovich ayaa dacwad ka gudbiyay wariyaha ka tirsan Wakaaladda Wararka ee Reuters, Catherine Belton iyo shirkadda daabacaadda HarperCollins, kuwaasoo uu ku heysto buug ay sameeyeen sanadkii lasoo dhaafay oo ay ugu magac dareen ""Dadka Putin: Sida ay KGB dib ula wareegtay Ruushka kaddibna ugu soo jeedsatay Reer Galbeedka"". Buuggaas oo si weyn u gadmay ayaa lagu sheegay in madaxweyne Vladamir Putin uu bixiyay lacago si sharci darro ah loo adeegsaday oo lagu xoojinayay saameynta uu Ruushka ku leeyahay dibadda, taasoo ay ku jirto lacagtii uu Abramovich ku iibsaday kooxda Chelsea sanadkii 2003-dii. Hase yeeshee, ganacsadaha u dhashay Ruuska ayaa beeniyay sheegashadaas oo uu ku tilmaamay mid sharaftiisa meel looga dhacay. Qareenka wakiilka ka ah Abramovich ayaa garsooreyaasha maxkamadda u sheegay in ""nasiib darro uu buugaas ku celiyay waxa uu ugu yeeray hadallada aan laga fiirsanin ee qeexaya arrimaha ku lugta leh ganacsadaha"". Mr Tomlinson ayaa sidoo kale ku eedeeyay qoraa Catherine sida ay Abramovich ula xiriirisay siyaasadda Ruushka iyo doorkiisa arrimaha bulshada. Dacwadda Abramovich waxaa xuddun u ah sida loo maareeyay lacagtii uu Chelsea ku iibsaday oo ahayd £150 oo gini. Tomlinson ayaa sheegay in erayada Belton ay si toos ah uga dhignaayeen in Vladamir Putin uu Roman Abramovich ku amray inuu iibsado Chelsea, tallaabadaasna ay qeyb ka ahayd olole uu Ruushka ku doonayay inuu ku musuqmaasuqo waddamada Reer Galbeedka, islamarkaana uu ugu dhex yeesho saameyn toos ah. Belton oo Reuters u ah wakiil wareed khaas ah waxaa sidoo kale dacwad ku oogay shirkad tamarta ka shaqeysa oo laga leeyahay Ruushka." https://www.bbc.com/somali/war-58001201 +politics Qian Xuesen: Ninkii uu Mareykanka tarxiilay ee Shiinaha ka caawiyay dayax-gacmeedkii ugu horreeyay "Senisyahan u dhashay Shiinaha ayaa labo dal oo ka tirsan quwadaha waaweyn ee caalamka ka caawiyay in ay gaaraan dayaxa balse waxaa lagu xusuustaa sida uu u caawiyay mid ka mid ah dalalkan, sida ay ku warrameyso Kavita Puri. Maxtaf ku yaalla magaalada Shanghai waxaa la dhigay 70,000 oo qalab ah oo lagu xusayo ninkan oo loo yaqaano ""Seynisyahankii dadka"" oo magaciisuna yahay Qian Xuesen. Qian Xuesen waa aabihii soo saaray gantaallada iyo barnaamijka cirbixiyeenka Shiinaha. Cilmi baaris uu sameeyay seynisyahankaas wuxuu ka caawiyay Shiinaha in uu hawada u diro dayax-gacmeedkii ugu horreeyay, waxaana dalkaas looga arkaa ""Halyeey qaran"". Qian wuxuu ku dhashay Shiinaha sannadkii 1911-kii, waaliddintiisa waxay ahaayeen dad wax bartay, kaddib markii uu ka shaqeeyay Japan, wuxuu bilaabay hanaankii waxbarashada Shiinaha. Qian wuxuu ahaa ardey firfircoon, wuxuu ka qalin jebiyay jaamacadda ku taalla Shanghai ee Jiao Tong, wuxuuna ku guuleystay deeq waxbarsho oo naadir ah si uu ugu biiro jaamacadda teknoloojiyadda ee Massachusetts ee ku taalla Mareykanka. Sannadkii 1935-tii, Qian wuxuu gaaray gobolka Boston ee dalka Mareykanka, wuxuu la kulmay faquuq iyo isir naceyb, sida uu sheegayo Chris Jespersen, oo ah profesoor wax dhiga taarikhda oo ka howlgala jaamacadda North Georgia. Wuxuu markii dambe u wareegay machadka teknolojiyadda California halkaas oo uu ka dhiganayay cilmiga injineernimada ee diyaaradaha. Dadkii halkaas wax ka bartay waxay ahaayeen injineero caanka ahaa dunida xilliggaas oo uu ka mid ahaa injineerkii ka soo jeeday Hungary, Theodore von Karman. Dadkii ay hal meel ka soo shaqeeyeen Qian waxaa ka mid ahaa seynisyahan caan ah oo la oran jiray Frank Malina, kaas oo xubin muhiim ah ka ahaa koox seynisyahanno oo la oran jiray ""Kooxda is miidaaminta"". Kooxda waxay doonayeen in jaamacadda gudaheeda ay ku sameeyaan gantaal balse intii ay baarayeen kiimiko halis ah, waxaa ka khaldamay wixii ay sameynayeen, wayna ku qaraxday, inkasta uusan qof ku dhiman, sida uu sheegay Fraser Macdonald oo ah qoraa. Maalin maalaha ka mid ah Qian wuxuu la kulmay saaxibbadii ka tirsan kooxda seynisyahada ah, waxay xilligaa ka shaqeynayeen xisaab adag si cilmi baaris loogu sameeyo marka la ganayo gantaallada. ""Xilliggaas ma jirin qof si dhab ah ama seynisyahan ku takhasusay cilmiga xisaabta oo halis u gelin karay sumcaddiisa oo yiraahda 'kani waa mustaqbalka', balse xaaladda waxay is bedeshay xilligii uu bilaabanayay dagaalkii labaad ee adduunka,"" ayuu yiri Fraser Macdonald. Howlihii ay wadeen kooxdii seynisyahanada ee la oran jiray Suicide Squad, wuxuu damac ka soo galay militariga Mareykanka oo bixiyay cilmi baaristii ay ku sameynayeen sidii loo soo saari lahaa gantaallada laga rido diyaaradaha dagaalka. Maalgelintii ay militariga Mareykanka siiyeen kooxdaa, waxay suurogelisay in la sameeyo goob lagu sameeyo cilmi baarista lagu raadinayo hagaajinta gantaalka sannadkii 1943-dii, iyadoo uu hoggaaminayo seynisyahan, Theodore von Karman, Qian Xuesen iyo Frank Malina, waxayna ahaayeen dadkii udub dhexaadka u ahaa mashruuca. Qian wuxuu u dhashay dalka Shiinaha, xilliggaas na jamhuuriyaddii Shiinaha waxay saaxib dhow la ahayd Mareykanka. ""Ma jirin tuhun ku saabsan in mashruuc uu hoggaaminayo Mareykanka oo lagu sameynayo diyaaraad uu udub dhexaad u yahay seynisyahan u dhashay Shiinaha,"" ayuu yiri qoraa Fraser Macdonald. Qian waxaa la guddoonsiiyay shati uu kaga shaqeyn karo cilmi baarista dhanka hubka, xita wuxuu ka mid noqday guddiga dowladda Mareykanka kala taliyo seyniska. Ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee adduunka, wuxuu ka mid ahaa khuburradii loo diray Jarmalka, waxaana la socday seynisyahan lagu magacaabo Theodore von Karman. Wuxuu hadafkoodu ahaa inay soo wareystaan injineerada Nazi-ga oo uu ka mid ahaa Wernher von Braun oo ah ninkii hoggaaminayay gantaallada Jarmalka. XIlligaas Mareykanka wuxuu doonayay in uu ogaado cilmiga Jarmalka. Guddoomiyihii hoggaaminayay kacdoonkii shuuciga ee Shiinaha, Mao Tse-Tung, ayaa sannadkii 1949-kii ku dhawaaqay in Mareykanka uu yahay ""Sheydaan"", sida uu sheegay Chris Jespersen. Agaasimihii cusbaa ee sheybaarka waaxda cirbixiyeennada Mareykanka ayaa rumeysanaa in qof basaas ah uu ku sugan yahay sheybaarka, wuxuuna arrintaas la wadagaay saraakiil ka tirsanayd FBI-da. ""Waxaan u maleynayaa in ay ka soo jeedaan Shiinaha ama Yuhuudda,"" ayuu yiri Fraser Macdonald. Markii dambe FBI-da Mareykanka waxay Qian Xuesen iyo Frank Malina iyo dad kale ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin xisbiga shuuciga ayna halis ku yihiin amniga qaranka. Dacwadaha loo heystay Qian waxay ku saabsanaayeen dokumenti soo baxay sannadkii 1938 oo uu ku xusnaa xisbigii shuuciga ee ka jiray Mareykanka, wuxuuna muujinayay in Qian uu ka qeybgalay kulan ay FBI-da ku sheegeen inay la yeesheen xisbiga shuuciga ee Pasadena, inkasta oo Qian uu beeniyay in uu xubin ka ahaa xisbigaas. Daraasad cusub ayaa muujineysaa in Qian iyo Frank Malina ay isku xilli ku biireen xisbigaas, sannadkii 1938. Zuoyue Wang oo ah barofesoor Cilmiga Taariikda ka dhiga jaamacadda California ayaa sheegayaa in aanay jirin caddeymo ku saabsan in Qian uu howlo basaasnimo waday markii uu ku sugnaa Mareykanka. Waxaa laga la noqday shatigii uu kaga shaqeyn jiray sheybaarka, waxaana la geliyay xabsi guri balse saaxibkiisa, Theodore von Karman, ayaa dawladda u sheegay in Qian uusan wax dambi ah gelin, guulna kama uusan gaarin arrintaas. Sannadkii 1955-tii, markii Qian uu shan sano xabsi guri ku qaatay, madaxweynihii Mareykanka xilliggaas, Eisenhower, wuxuu go'aansaday in Qian loo tarxiilo Shiinaha. Seynisyahankaas wuxuu Mareykanka kaga soo tagay xaaskiisa iyo labo canug oo uu dhalay. ""Wuxuu ka mid ahaa seynisyahannadii ugu caansanaa Mareykanka, wuxuuna u horseeday guulo, balse lama uusan kulmin oo kaliya ah dhibaato ee waa la khiyaanay sidoo kale,"" ayuu yiri, Tianyu Fang oo ah qoraa ahna weriye. Qian waxaa lagu soo dhaweeyay Shiinaha, waxaan loo aqoonsaday halyeey, laakiin markiiba kuma uusan biirin xisbiga shuuciga ee Shiinaha. Sannadkii 1958-dii oo uu ku biiray xisbiga shuuciga, wuxuu markasta u jaanjeeray dhinaca garabka midig, wuxuuna ka badbaaday kacdoonkii dhanka dhaqanka iyo in laga saaro xisbiga. Markii uu Shiinaha yimid wax badan lagama fahansaneyn cilmiga ku saabsan dayax gacmeedka, wuxuuna 15 sano kaddib noqday kormeerihii dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee Shiinaha uu hawada u diro. Tobonnaan sano ka dib wuxuu tababaray seynisyahanno badan, shaqadiisana waxay suurogelisay in dadka u dhashay Shinaha ay raacaan dayax gacmeedka. Gantaalladii sameyntooda uu Qian ka caawiyay Shiinaha waxay suurogeliyeen in lagu weeraro Mareykanka. Gantaalkii la oran jiray Qian's silkworm, waxaa lagu weeraray Mareykanka sannadkii 1991-dii xilligi uu socday dagaalkii Khaliijka, sida uu sheegay Fraser Macdonald. Dan Kimball oo ahaan jiray madaxii ciidamada badda ee Mareykanka markii dambena noqday madaxa hay'ad qaabilsan dayax-gacmeedka, ayaa yiri: ""Tallaabada ugu xumeyd ee dalkan uu qaaday waxay aheyd xaaladdii Qian."" Maanta uu Mareykanka iyo Shiinaha ka dhex taagan yahay dagaal ganacsi, waxaysan dad badan oo u dhashay Mareykanka ogeyn kaalintii Qian uu ku lahaa mashruucii dayax-gacmeedka Mareykanka. Tianyu Fang wuxuu leeyahay in ardey badan oo u dhashay Shiinaha kuna sugan Mareykanka aanay ogeyn sababta Qian uu uga soo tegay Mareykanka. ""Xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sii xumaanaya, waxaa laga yaaba in laga shakiyo sidii dhacday xilligii Qian,"" ayuu yiri Fang. Qoraa Fraser Macdonald wuxuu rumeysan yahay in arrintaas ay digiin u ahayd tarxiilkii aqoon yahan: ""Sheekoyiinka ku saabsan seyniska Mareykanka waxaa sare u qaaday dad ka soo jeeda dibadda, balse xiligan lagu jiro waxaa adag in arrintaas loo dabaal dego"". Dadaalkii Qian wuxuu u horseeday Shiinaha in uu noqday dal awood leh, marka ay timaaddo sahanka lagu tagayo hawada sare. Sannadkii la soo dhaafay markii Shiinaha uu dayax-gacmeed ka dejiyay cirifka fog ee dayaxa, waxaana sahankaas sameeyay seynisyahan la yiraahdo Von Karman crater, kaas oo uu la taliye u ahaa Qian, si kastaba, dhaqdhaqaaqi ka socday Mareykanka ee ka dhankaa Shuuciga wuxuu Shiinaha u horseeday in guul uu ka gaaro sahanka dayaxa." https://www.bbc.com/somali/war-54716761 +politics Biden: Falastiin waxay u qalantaa inay noqoto dal jira oo xor ah "Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in Falastiin ay u qalanto in ay noqoto dal madaxbannaan, shaqeyn karta oo sii jiri kara. Wuxuu hadalkan ku soo qaaday khudbad uu jeediyay kaddib kulan uu hoggaamiyaha Falastiin, Maxamuud Cabaas kula yeeshay Daanta Galbeed ee ay Israa’iil haysato. Madaxweyne Biden ayaa markale ku celiyay sida ay Maraykanka uga go’an tahay in xal loo helo dhibaatada u dhaxeysa Falastiin iyo Israa’iil. Wuxuu sidoo kale sheegay in dadaallada la isugu keenayo labada dhinac ee wada-hadallada nabadeed ay sii socon doonaan, inkastoo dhowaan ay rabshado dhaceen. ""Dadka Falastiin hadda waxay dareemayaan xanuun… Waan dareemi karnaa murugadaada iyo niyad jabkaaga,"" ayuu yiri madaxweyne Biden. “Labo dowladood oo labada shacab ah, oo labaduba dhulkan ku leh xidido qotadheer oo soo jireen ah, oo isku dhinac nool iyagoo haysta nabad iyo amni.” Madaxweynaha Mareykanka ayaa hoggaamiyaha Falastiin kula kulmay magaalada Bethlehem ka hor intii uusan u dhoofin dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu uga qeybgalayo shir-madaxeed muran badan dhaliyay. Hoggaamiyaha Falasiin, Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in Falastiiniyiinta ay ka dhursugayaan tallaabada Mareykanka uu ku doonayo in uu dib ugu furo qunsuliyadda Mareykanka ee Bariga Quddus, Ururka Xoreynta Falasiin (PLO) in laga saaro liiska argagixisada, iyo in dib loo furo xafiiska wakiilka Falastiin ee Washington. Cabbaas, ayaa dhankiisa sheegay in ""furaha nabadda ee gobolka uu ku xiran yahay soo-af-jaridda qabsashada Israel ee dhulkeena."" Waxa uu sheegay in Israa'iil ""aysan sii wadi karin in ay u dhaqanto sidii waddan ka sarreeya sharciga,"" wuxuuna sheegay in kuwii dilay Weriyihii Falastiin ee haysatay dhalashada Maraykanka ee Shireen Abu Akleh ay u baahan yihiin in lala xisaabtamo."" Weriyuhu waxay la shaqeyneysay telefishinka Al-Jaseera. Maamulka Falastiin oo ka gadooday siyaasaddii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladdaas. Biden wuxuu hadda isku dayayaa inuu dib boorka uga jafo xiriirkaas. Wuxuu yiri, ""Xitaa haddii shuruuduhu aanay weli ku habboonayn wada-xaajoodka, Maraykanku ma dayici doono dadaalka la isugu keenayo labada dhinac."" Waxaa la filayaa inuu ku dhawaaqo taageero dhaqaale oo uu siiyo Falastiiniyiinta, balse ma jiro qorshe dib loogu billaabayo wada-hadallada nabadeed ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil. Biden ayaa gelinkii hore ee maanta booqday Bariga Quddus, halkaas oo uu kormeeray isbitaallo. Wuxuu ballan-qaaday $100 milyan oo dheeraad ah oo lagu taageerayo isbitaallada ku yaal Bariga Quddus, taasoo qeyb ka ah ballan-qaad sanado badan socday oo looga golleeyahay in lagu caawiyo adeegyada caafimaadka ee Falastiin." https://www.bbc.com/somali/articles/cx7v781p07qo +politics Gabadha Soomaaliyeed ee u tartameysa hoggaanka Ururka Ganacsiga Adduunka "Todobaaddo uun ka dib markii agaasimaha guud ee ururka ganacsiga adduunka ee WTO, Roberto Azevedo, sida lama filaanka ah u shaaciyey is casilaaddiisa, ayaa waxa soo baxay in diblomaasiyadda reer Kenya ee wasiirkana ah, Aamina Maxamed ay ka mid tahay musharaxiinta ugu cadcad kuwa u tartamaya in ay bedelaan. Go'aanka Azevedo kaga tagayo jagadaa heerka caalami ah bishan Ogost ee foodda inagu soo haysa, iyada oo mudado-xileedkiisu ku ekayd Ogost 2021, ayaa dhaliyey tartan adag oo loo galo jagadaas, xataa iyada oo ay taagan yihiin dhibaatooyin adag oo ah dagaal ganacsi iyo cudur saf mar ahi. Bishan Juulaay 7 deedii ayaa Jamhuuriyadda Kenya gudbisay warqadda musharaxnimada danjire Aamina Maxamed oo ah in tartamayso jagada agaasimaha guud ee ururka WTO. Ururka WTO shaqadiisu waxa weeyi inuu kobciyo ganacsiga dunida si ay uga wada faa'iidaystaan dalalka dunida oo dhami. Waa ururka keliya ee fidiya gogol gaar ah oo lagaga wada xaajoodo ganacsiga sidoo kalena lagu xaliyo khilaafaadka ganacsi ee soo dhex gala dalalka xubnaha ka ah. Ciidamada ilaalada madaxweynaha Kenya oo laga mamuucay cunista jaadka Dacwaddii muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo dib loo dhigay ""Maadaama oo Kenya tahay dal si dhab ah u rumaysan xoojinta ururada caalamiga ah, waxaan aaminsannahay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo in boodhka laga tumo ururka WTO si uu dhamaan qaramada oo dhan baahiyahooda uga shaqeeyo, ha yaraadeen ama ha weynaadeene. Waxaanu sidoo kale rumaysannahay in haatan ay tahay goortii ay Afriki qaadan lahayd masuuliyadda ay mudantahay ee ah in ay hogaanka u qabato WTO"" ayaa lagu yidhi warbixin ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Kenya. Aamina qudheeda oo ka hadashay damaca ha kaya jagadaas oo dhawaan waraysi siisay wargeyska Financial Times ee dalka Ingiriiska ka soo baxa, ayaa waxay tidhi ""waxa loo baahanyahay qof leh waayo aragnimo ku haboon shaqadan, qof u heellan hirgelinta waxa dunidu wada leedahay, laakiin sidoo kalena leh maqaam siyaasadeed si uu u noqdo qof wax isku duma oo suurto geliya in la isku tanaasulo."" ""Hadii qofka tilmaamahaa lihi noqdo qof Afrikaan ah ama haweenay, waxay ila tahay inuu miisaan gaar ah sii yeelanayo. Waa lagama maarmaan in ururku noqdo mid xubnaha oo dhami ka wada muuqdaan oo ay cadaato in dalalka xubnaha ka ahi garawsadaan in qayb kasta oo dunida ka mid ahi ay wax tar togan u yeelan karto hadii ay hogaanka u qabato WTO"", ayay intaa ku dartay. Aamina waxay ka dhalatay qoys Soomaalida-Kenya ah oo waxa ay ku dhalatay magaalada Kakamega Oktoobar 1961, waxaanay muddo dheer ka soo shaqaysay diblomaasiyadda dalkaas markii dambena waxa ay xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta tan iyo sannadkii 2013-kii ka haysay xilalka wasiirka arimaha dibadda, ka waxbarashada iyo haatan oo ay tahay wasiirka ciyaaraha. Kenya oo ganaaxeysa dadka faafiya wararka beenta ah ee ku saabsan Corona Madaxweynaha Kenya oo ka jawaabay codsi uga yimid ilma yar oo xanuunsan Markii ay ka qalin jabisay Jaamacadda Kiev oo ay ku baratay sharciga, ayaa Aamini waxa ay ka mid noqotay shaqaalaha dawladda Kenya oo ay ka bilawday sarkaal dhanka sharciga ah sannadkii 1985. Shan iyo tobankii sano ee xigay waxa ay ka shaqaynaysay waaxda diblomaasiyadda Kenya oo waxay xilal door ah ka soo qabatay kana soo shaqaysay Geneva iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2006 waxay danjire Aamina Maxamed soo qabatay xilal kala ah safiir, madaxa ergada diblomaasiyadeed ee Kenya ee Geneva waxaanay sidoo kale gudoomiye ka noqotay waaxda Afrika ee xuquuqda aadanaha ee WTO. Waxa ay sidoo kale noqotay haweenaydii ugu horraysay ee gudoomisa shirweynaha guud ee WTO sannadkii 2005. Ka dib markii ay muddo gaaban ka shaqaynaysay xukuumaddii labaad ee Madaxweyne Mwai Kibaki, ayaa waxa Aamina loo magacaabay ku xigeenka agaasimaha guud ee hay'adda deegaanka Qaramada Midoobay ee UNEP. ""Kenya waxay soo sharaxaysaa Aamina Maxamed oo ah qof si gaar ah ugu qalma in ay hogaamiso WTO xilligan adag ee lagu jiro. Hadii la doortona waxay noqon doontaa qofkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah iyo run ahaantii haweenaydii ugu horraysay ee hogaanka u qabata ururka ganacsiga adduunka WTO. Wasiir Aamina way garanaysaa WTO waxaanay fahamsantahay sida uu u shaqeeyo, maadaama oo ay hore u guddoomisay shirarka heerka sare ah ee go'aannada lagu gaadho ee ururka sida shirka wasiirrada, shirweynaha guud, waaxda xallinta khilaafaadka iyo sidoo kale waaxda dib u eegidda siyaasadda ururka."" Ayaa lagu sheegay warbixinta uu soo saaray Madaxweyne Kenyatta. Ma aha markii ugu horraysay ee Kenya u ololayso in ay Aamina xil ka qabato ururka WTO. Sannadkii 2013 waxa ay ka mid ahayd musharaxiintii la tartamay ee uu ka guulaystay Azevedo. Sannadkii 2017 ayaa hadana maamulka Kenyatta waxa uu sidoo kale Aamina u sharaxay in ay noqoto gudoomiyaha ururka Midowga Afrika si ay u bedesho gudoomiyihii xilka ka degayey ee reer Koonfur Afrika, Nkosazana Dlamini Zuma, laakiin waxa ka guulaystay Moussa Faki Mahamat oo reer Chad ah. Ka hor is casilaadda agaasimaha guud ee ururka, Azevedo waxa soo baxayey warar sheegayey in dawladda Ingiriisku u ololaynaysey in Aamini bedesho xog-hayaha guud ee ururka Patricia Scotland." https://www.bbc.com/somali/53376150 +politics Piers Morgan oo shaqadiisa ku waayay hadal ka dhan ah Meghan Markle "Piers Morgan oo kamid ah weriyayaasha ugu caansan Ingiriiska ayaa ka tegay shaqaduu u hayay barnaamijka Good Morning Britain ee telefishinka ITV, kadib muran ka dhashay faallo uu ka bixiyay xaaska amiir Harry, Meghan Markle. Weriyaha ayaa barnaamijkaas daadihinayay muddo 6 sano ah. Telefishinka ITV ayaa shaaciyay go'aanka uu shaqada uga tagayo Piers Morgan, kadib markii in ka badan 41,000 dacwadood laga gudbiyay faalladiisa ku aaddan Meghan. Barnaamij uu tebinayay Isniintii ayuu Morgan ku sheegay in ""uusan hal kalmad ka rumaysan"" waraysigii ay Meghan siisay Oprah Winfrey ee ay uga hadashay dhibaatada maskaxeed ee soo wajahday. Maxaa ku qasbay Meghan in ay ka fakarto in ay isdisho? Yaa bixinaya qarashka arooska Amiir Harry iyo Meghan? Maamulka ITV ayaa u sheegay BBC in bixitaanka Morgan uu saameyn ku yeelan doono barnaamijkaas subixii la sii daayo, balse waxa ay ka gaabsadeen inay sheegaan cidda la wareegaysa kaalinta uu baneeyay. Piers Morgan iyo Alex Beresford oo saadaasha hawada u tebiya ITV ayaa isku qabtay faallada ka dhanka ah Meghan, waxaana Beresford uu ku dhaliilay Morgan inuu ""sii wado magac-dilka"" ka dhanka ah xaaska amiir Harry. Dood kulul kadib, Morgan ayaa isaga baxay barnaamijka uu waday, inkastoo uu dib hawada ugu soo laabtay 10 daqiiqo kadib. Madaxa ITV, Dame Carolyn McCall, ayaa sheegtay inay ""rumaysan tahay waxa ay sheegtay Meghan,"" iyadoo intaa raacisay in telefishinka uu garawsan yahay dhibaatada xanuunnada dhimirka. Barnaamijka Good Morning Britain ee baxay Isniintii ayaa Morgan waxa uu ku soo qaatay eedeyn ay jeedisay Meghan Markle oo ahayd in caawinaad ay ka weyday sarkaal sare oo ka tirsan qasriga Buckingham Palace, ayna ka fekertay inay is disho. ""Qofkee ayaad u tagtay? Maxay ku yiraahdeen? Waan ka xumahay, ma rumaysan karo kalmad ay sheegtay Meghan Markle. Ma rumaysanayo xitaa haddii ay ii akhriso wararka saadaasha hawada,"" ayuu yiri Morgan. ""Waxaan ceeb weyn u arkaa in ay weerar intaa dhan ku qaado qoyskeena Boqortooyada,"" ayuu hadalkiisa raaciyay. Kadib markii ay dad badan caro ka muujiyeen faallada Morgan, ayaa waxa uu sheegay in ""weli uu walaac badan ka qabo waxa ay sheegtay Meghan"". In ka badan 41,015 dacwadood oo ka dhan ah Piers Morgan ayaa loo gudbiyay hay'adda kor-joogteysa warbaahinta ee Ofcom maalmihii Isniinta iyo Talaadada. Waa dacwaddii labaad ee dad intaa dhan ay u gudbiyaan Ofcom 17-kii sano ee ay hay'adaasi jirtay. Waxaa kaalinta koobaad weli ku jirta dacwadii laga gudbiyay Jade Goody iyo Shilpa Shetty oo qeyb ka ahaa barnaamijkii Celebrity Big Brother ee 2007. 44,500 oo dacwadood aya lagu gudbiyay maalmo gudahood. Piers Morgan ayaa horay looga eryay warbaahinta ay ka mid tahay Mirror, kadib markii 2004 uu ansixiyay daabicidda sawir been abuur ah oo muujinaya askar British ah oo si xun ula dhaqmaya maxaabiis Ciraaq u dhashay." https://www.bbc.com/somali/war-56343210 +politics Ra’iisal wasaare Johnson oo shaqada kusoo laabanaya Xafiiska ra'iisal wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa shaaciyay in Boris Johnson uu Isniinta soo socota shaqada kusoo laaban doono. Muddo laba todobaad laga joogo ayay ahayd markii uu ra'iisal wasaaraha ka soo baxay cisbitaal ku yaal London, halkaasi oo uu mar cudurka Covid-19 u galay qeybta xaaladda degdega ah. Waxa uu saameynta xanuunka uga soo reysanayay hoygiisa rasmiga ah, halkaasi oo uu telefoonka kula hadlay Boqorad Elizabeth, golihiisa wasiiradda iyo Madaxweyne Trump. Mr Johnson ayaa xafiiska kusoo laabanaya xilli uu wajahayo dhaleeceyn ku aaddan qaabka uu ula tacaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19. Ilo wareedyo ka tirsan dowladdiisa ayaa sheegay inuu aad uga taxadari doono goorta iyo qaabka loo qaadayo xayiraadda saaran Britain ee uu keenay cudurka. Xoghayaha arimaha gudaha, Priti Patel, ayaa meesha ka saartay khafiifinta tallaaboyinka ay qaaday dowladda, kadib markii uu xoghayihii hore ee maaliyadda, Philip Hammond ku biiray dadka ku baaqaya in xukuumadda ay la timaado qorshe ay dib ugu hawlgelinayso dhaqaalaha dalka. Ra'iisal wasaare Boris Johnson ayaa noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee dalalka awoodda leh ee uu soo rito fayraska Corona. In ka badan labaatan kun oo qof ayaa Britain oo keliya cudurka ugu dhimatay, waxaana dalkaasi uu kamid yahay shanta dal ee ugu dhimashada badan caalamka. https://www.bbc.com/somali/war-52428931 +entertainment Cumar Shooli: Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed ee qarka u saaran in Mareykanka laga tarxiilo "Fanaanka Soomaaliyeed ee Cumar Shoolli ayaa dhibaato wayn wali ka haysataa go'aankii dawladda Maraykanku soo saartay sanadkii 2008 dii, kaas oo ahaa in la tarxiilo kadib markii lagu qabtay daroogo. Bulshada Soomalaida ee halkaa ku dhaqan ayaa ka dalbanaya dowladda inaysan tarxiilinn fannaanka maadama uu khatar ku wajihi kara dalkiisa haddii dib loogu celiyo. ""Waan badalmay, nolosheyda intii badneedna halkaan ayaan ku qaatay"" ayuu yiri Shoolli. ""Dib uma noqon karo"". 42 jirkan Soomaliga ah wuxuu magac wayn ka sameeyay fanka Soomaalida, isaga oo heeso ka qaadi jiray xaflado waawayn iyo aroosyo. Shoolli wuxuu sheegay in uu baqdin ka qbao ururka al-Shabaab oo ka taliya deegaanno badanoo Soomaaliya ah, isaga oo ku andacooday in ay dil ugu hanjabeen. Laanta socdaalka ayaa laba mar ogaatay in hadii Shooli loo celiyo Soomaaliya ay waxyeelo xun u geysan karaan ururka al-Shabaab amaba ay dili karaan maadaama heesihiisa ay u arkaan kuwo dhaqanka wax u dhimaya. In dad laga tarxiilo Maraykanka way yaraatay tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Joe Biden, markii la barbar dhigo waqtigii madaxweyne Donald Trump, oo maamulkiisa uu awood siiyay hay'adda socdaalka. Sanadkii 2021 kii Maraykanka waxaa laga tarxiilay 47 qof oo celiyay Soomaaliya, halka 2020 kii la tarxiilay 112 ruux. Cumar wuxuu ka soo cararay Soomaaliya sanadkii 1996 dii oo ay dagaalo ka socdeen, wuxuuna gaaray waddanka Maraykanka. Sanadkii 2008 dii ayaa lagu xiray gobolka Minnesota kadib markii lagu qabtay daroogo, halkaas oo uu ku xirnaa muddo labo sano ah. Cumar waa aabe leh xaas iyo caruur, sidoo kale walaalihiis iyo waalidkiis ayay wada dagan yihiin gobolka Minnesota. Wuxuu bilaabay shaqada fannaanimada sanadkii 2013 kii. Heesihiisa jacaylka ah ayaa markiiba uu ku magacwayn oo ku yeeshay Soomaalida Maraykanka iyo dunida kale jooga intaba. Waxyaabaha aadka loogu xasuusta waxaa ka mid ah, muuqaalka hees uu soo saaray 2015 kii taas oo ay ku jirtay gabar uu qaawan yahay qayb ka mid ah jirkeeda. Arrintaas ayaa hadal hayn badan ka dhexdhalisay baraha bulshada Soomaalida. Shooli hadda wuxuu doonayaa in dhaqdo reerkiisa, magaciisa uu wanaajiyo, dibna boorka uga jafo heesihiisa. ""Waxaan rabaa ina ahalgamo, ma awooda inaan kala maqnaano xaaskeyga iyo caruurteyd,"" ayuu yiri Shoolli "" Kama tagi karo nolosha kaliya ee aan aqoonay waligeey""." https://www.bbc.com/somali/61511820 +religion Kenya: Wadaad Muslim ah oo diiddan in uu ka baxo xabsi laga sii daayay "Wadaad Muslim ah ayaa waydiistay maxkamad ku taalla Kenya in aan xabsiga laga sii deyn. Waxaa loo fasaxay inuu bixi karo markii lagu waayay dacwado argagixisannimo la xiriiray oo loo haystay. Ninkan oo lagu magacaabo Sheekh Guyo Gorsa Buru, waxaa la xiray bishii Jannaayo ee sanadkii 2018-kii, waxaana lagu eedeeyay inuu waday howlo uu ku taageerayo koox argagixiso ah iyo inuu la shaqenayay ururka Al-Shabaab. Hase yeeshee toddobaadkan, ayaamaxkamadi amartay sii-deyntiisa, iyadoo sheegtay inay dowladdu ku guul-darreysatay in ay keento caddeymaha ka dhanka ah kiiska ninkaas. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu diiday inuu ka baxo xabsiga uu ku jiro oo lagu magacaabo Kamiti, isagoo taas u sababeeyay inuu naftiisa u cabsanayo.Sheekhu wuxuu ku andacooday in marka uu bannaanka u baxo ay suurtagal tahay in la qafaasho ama ay dilaan ciidanka dowladda. Dhanka kale, garsooraha maxkamadda ayaa amray inuu wadaadku ku sii jiri karo xabsiga ugu badnaan 30 maalin, wuxuu markaas ka dambeeyana la fasixi doono. Laakiin, wuxuu sheekhu ku khasbanaan doonaa inuu dowladda lacag ku siiyo muddadaas dheeraadka ah ee loo oggolaaday inuu ku sii jiro xabsiga. Lama sheegin caddadka lacagta iyo sababta ay tahay inuu dhaqaale ugu bixiyo arrintaas. Sheekh Buru, wuxuu maxkamadda sare u gudbiyay kiis kale oo ah inuu doonayo in amnigiisa la sugo wixii ka dambeeya marka uu xornimadiisa dib u helo. Kiiskiisa ayaa soo cusbooneysiinaya dood ku saabsan dadka khasabka loo kaxeysto ama lagu waayo gudaha dalka Kenya. Warbixin ay dhowaan soo saareen Hay'adda Amnesty iyo kuwa kale caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa lagu dhaleeceeyay booliska tacaddiyo, dilal sharciga ka baxsan iyo qafaallo ka dhacay Kenya. Booliska wuu beeniyay eedeymahaas. Qareenka Sheekha, Dr John Khaminwa, ayaa sheegay in sababta uu u diiday inuu xabsiga ka baxo ay tahay inuu naftiisa u baqayo. Dr Khaminwa ayaa tusaale usoo qaatay in ay jiraan wadaaddo hore oo xabsiga laga sii daayay balse dib loo qabtay, qaarkoodna la waayay. Waxa uu intaas ku daray inuu dowladda maxkamad la tiigsan doono si ay u bixiso magdhow sheekha laga siinayo xariggii loo gaystay isagoo aan wax dambi ah lahayn. ""Muddo lixdan sano ah oo aan qareen ahaa waligay lama kulmin kiis noocan ah,"" ayuu yidhi. Madaxweynaha ayuu sidoo kale ka codsaday inuu guddi u xil saaro baadhitaanka la xiriira ""dadka lagu waayay gacanta booliska"". Wadaad horey loogu dilay Kenya Sanadkii 2014-kii ayay xiisadi ka dhalatay toogashada sheekh caan ahaa. Sheekh Abubakar Sharif Ahmed oo loo garanayay Makaburi ayaa lagu toogtay magaalada Mombasa isagoo ka soo baxay goob maxkamad ah oo ay dacwad uga socotay. Wadaadkaas ayaa ahaa nin aan la gabban fikirkiisa, dowladduna waxay ku eedeysay xilligaas inuu ahaa nin xagjir ah oo taageersanaa Al-Shabaab. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isla xilligaas Makaburi ku eedeeyay inuu taageero, dhaqaalana siin jiray Al-Shabaab, balse eedeyntaasi dhowr jeer ayuu beeniyay. Sheekhaas, oo la dilay bishii Abriil ee sanadkii 2014, ayaa ahaa kii saddexaad oo lagu dilo Mombasa laga soo billaabo sanadkii 2012-kii. Makaburi ka hor waxaa isla magaalada Mombasa lagu dilay Aboud Rogo iyo Ibrahim Cumar oo iyaguna ahaa wadaaddo uu dilkoodu muran dhaliyay." https://www.bbc.com/somali/61345728 +politics Mashruuca BBI: Guul darradii ugu waynayd oo maanta ku dhacday Uhuru Kenyatta iyo kooxda Mucaaradka "Guul darro aad u wayn ayaa ku dhacday madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaddib markii ay garsooreyaasha Maxkamadda ugu sarreysa dalka hor istaageen qorshe ay dowladdu wadatay oo aasaasi u ahaa isbaddal la damacsanaa in lagu sameeyo dastuurka. Garsooreyaasha xukunka kama dambeysta ah ku dhawaaqay ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu si aan sharciga waafaqsanayn ugu howlanaa isbaddalka, oo loo yaqaanno Mashruuca Dhismaha Buundooyinka (BBI). Waxay garyaqaannada maxkamaddu sheegeen in mashruucan loo baahnaa inay hoggaamiyaan shacabka balse aan loo baahneyn inuu horkaco madaxweynaha xilka haya. Guul darradan ayaa timid xilli aad muhiim ugu ah dowladda oo ay soo socdaan doorashooyinka guud ee bisha August. Mr Kenyatta ayaa horay xilka madaxweynaha u qabtay labo jeer, suurtagalna uma aha inuu mar kale isu soo sharraxo, balse wuxuu doonayay in uu dhaxalkiisa ka dhigo hirgelinta mashruuca BBI, kaasoo uu ku dooday in uu diyaasadda dalka ka dhigi lahaa mid ka fiican sidii hore, laguna yareynayo qalalaasaha siyaasadeed. Waxaa la saadaalinayay in Kenyatta uu mashruucan ka heli lahaa door hoggaamineed oo mar kale uu dalka ka qabto. Qodobbada ugu waaweyn ee diiradda la saari lahaa waxaa ka mid noqon lahaa in la abuuro xil cusub oo Ra'iisul Wasaare. Waxaa la isla dhex marayay hadal heyn isasoo taraysay oo ku saabsan in Mr Kenyatta uu damacsanaa helitaanka xilkaas, haddii siyaasiga mucaaradka ugu weyn ee markii dambe xulafada la noqday madaxweynaha, Raila Odinka, uu ku guulaysto xilka madaxweynaha. Mr Odinga ayaa doorashada kula tartamaya Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, oo ay is khilaafeen Mr Kenyatta. Ruto ayaa si weyn uga soo hor jeeday mashruuca BBI. ""Qorshahan oo dhan wuxuu iila muuqday isku day lagu raadinayay in aniga dowladda la iiga eryo,"" ayuu Ruto ku yidhi wareysi uu siiyay BBC-da, horaantii bishan. ""Waxa loogu yeeray 'Dhismaha Buundooyinka' laguma dhisayo buundo."" Inkastoo dad badan oo falanqeeya siyaasadda ay u arkaan go'aanka ay Maxkamaddu soo saartay maanta oo Khamiis ah guul usoo hoyatay Mr Ruto, dadka sida saxda ah u guuleystay waa shacabka Kenya qaarkood oo maxkamadaha ugu hooseeya ilaa tan ugu sarreysa la gaaray dagaalka ay ku difaacayeen Dastuurka waddanka, oo ay kasoo horjeedeen in isbaddal lagu sameeyo iyagoo aan laga qayb gelinin. Tani waxay noqonaysaa guul darradii afaraad ee ku dhacday xukuumadda Kenya iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Sanadkii lasoo dhaafay, dhowr bilood gudahood ayay dowladda ku dhaceen saddex guul darro oo ay ku jirtay tii ku saabsanayd dacwadda muranka badda ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya. Hal isbuuc gudihiisa ayay xukuumadda Kenyatta guul darro kala kulantay labo kiis oo waaweyn, kuwaas oo mid uu la xiriiray arrimaha gudah, halka mid ka kalena uu ahaa dibadda. Waxay guul darrooyinkaas ka mid yihiin arrin kale oo dhowr bilood xilligaas ka hor ahayd: Kiiska ku saabsanaa muranka xadka badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya ayay 12-kii bishan October go'aan kasoo saareen garsooreyaasha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, ICJ. Kenya ayaa ku gacan seyrtay xukunka maxkamadda oo aaggii lagu muransanaa badankiis u sharciyeysay dhinaca Soomaaliya. Ka hor inta uusan go'aanka ugu dambeeya soo bixin ayay dowladda Kenyatta shegetay in aysan aqoonsan doonin natiijada, iyadoo dooneysay in kiiska dib loogu dhigo, balse maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay codsigaas. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhankiisa xukunka maxkamadda ku tilmaamay ""guul usoo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed"". Kiiska labaad ee isla toddobaadkan gudihiisa ay dowladda Kenya caqabadda kala kulantay waxa uu ahaa mid maxalli ah oo la xiriira mashruuc weyn oo ay dowladda ku howlaneyd. Mashruucaas oo sannado badan laga war dhowrayay ayaa waxba kama jiraan laga soo qaaday kaddib markii amar ka soo baxay maxkamadda sare lagu diiday in lasii wado. Sida uu tabiyay wargeyska Standard, xukunka maxkamadda sare ee Kenya waxaa lagu sheegay in mashruucaas oo ku aaddanaa diiwaangalinta dadweynaha uu ka hor yimid xeerka keydinta xogta rayidka. Mashruuca ay maxkamaddu sharci darrada ku tilmaantay ayay dowladda ku kharash gareysay lacag gaareysay 10 bilyan oo shilin oo u dhigantay in ka badan $90 milyan oo doolar. Kani waxa uu ahaa mashruuc siyaasadeed oo horseedi karay in isbaddal weyn lagu sameeyo hannaanka siyaasadeed ee Kenya iyo dastuurka. Maamulka waddanka Kenya ayaa u ololeynayay in wax laga baddalo dastuurkii la ansixiyay 2010-kii, si dowladda loogu yeelo waji kale. Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shacabka gobollada ayaa ka soo horjeestay mashruucan, balse waxa uu u muuqday mid dadaal badan lagu bixinayay. 20-kii bishii August ayay maxkamadda sare ee Kenya ku dhawaaqday xukun gabi ahaanba meesha ka saaraya mashruuca BBI. Waxaa tallaabada garsooreyaasha maxkamadda racfaanka loo arkayay mid dhabarjab ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii hore miiska soo saaray hindise sharciyeedkaas. Laakiin Dowladda ayaa usii gudubtay maxkamadda ugu sarreysa dalka, taasoo maanta mowqifkeeda caddaysa, isla markaana quusisay dowladda. Heerarka maxkamadaha Kenya ayaa kala ah, Maxkamadaha hoose, Maxkamadda sare, Maxkamadda Racfaanka iyo meesha ugu dambaysa oo ah maxkamadda ugu sarraysa. Sida uu xusay Wargeysku, dowladda Kenya ayaa hadda u baahan inay isbaddal ku sameyso qorsheyaasheeda si ay uga soo kabato culeyska soo wajahay inkastoo dad badan ay lama filaan ku noqotay guul darroonyinka dhinaca sharciga ee is xigay ee ay la kulmeen qareennada firfircoon ee dowladda." https://www.bbc.com/somali/war-60943465 +politics Ruushka, Shiinaha iyo Iran: yay la doonayaan inuu ku guuleysto doorashada Mareykanka? "Miyuu Aqalka Kremlin-ka isku dayayaa inuu Donald Trump mar labaad hogaamiyo Mareykanka? xiriir miyey xukuumadda Beijing la leedahay Biden? Su'aalahasi ayay isweydinayaan bulshada sirddoonka Mareykanka. Qiimeyn ka timaaday sarkaal sare ayaa ka digeysa in quwadaha ajaanibta ah ay isku dayayaan iney qaadaan tallaabooyin ay ku doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan doorashada Nofeembar gaar ahaan wax isdaba marin lagu sameeyo codbixyeyaasha, dalalkaasi ayaa la sheegay iney Shiinaha, Ruushka iyo Iran. Saddexda dal ayaanan isku hadaf ahayn oo mid kaste dantiisa gaarka ayuu eeganayaa. Maxay yiradeen sirdoonka Mareykanka ? Sidaad ogtahayba Ruushka ayaa ku lug lahaa doorashadii 2016-ka, iyo wixii ka dambeeyayba. Sirdoonka Mareykanka ayaa aaminsan in Ruusha isku dayayo inuu saameyn ku yeesho codadka isagoo u xaglinayo Donald Trump. Waxay sirdoonka farta ku fiiqeen in Ruushka uu qorsheynayo weerar dhanka internet-ka ah sidii doorashadii horeba looga shakiyay inuu sameeyay. Bishii la soo dhaafay sanatar ka tirsan xisbiga Republican-ka ayaa taageeray fikradda ah in Ruushka uu doonayay inuu doorashada Trump ku guuleysto. Doorashadan 2020-ka waxaa booska Hillary Clinton ku jira Joe Biden. Waxaana laga cabsi qabaa in Ruushka uu dadaal ku bixiyo sidii marlabaad uu Trump ku guuleysan lahaa. Christopher Wray, oo ah madaxa FBI ayaa aaminsan in Ruushka uusan weligii joojin farogelinta doorashada Mareykanka xitaa markii Trump la doortay oo waxaa uu lug lahaa doorashooyinkii xubnaha congress-ka ee sannadkan. Safiirka Ruushka ee Turkiga ayaa toogasho lagu dilay Trump oo casuumay Obama walaalkiis Kaftan uu yiri Madaxweyne Donald Trump oo dad badan ka yaabiyay Hase yeeshee Ruushka ayaa si joogta ah u dafiriyay faroelinta doorashooyinka dalalka ajinabiga ah. Maxay yiradeen sirdoonka Mareykanka ? Saraakiisha sarsare ee maamulka Trump ayaa ku doodayaa in Shiinaha uu sannadkan ka khatar badan yahay Ruushka marka laga hadlayo farogelinta doorashada Mareykanka. Xeer ilaaliyaha guud ee William Barr ayaa sheegay in Shiinaha uu door bidayo in aanan Trump dib loo soo dooran. ""Shiinaha ayaa ballaarinayo dadaallada uu ku doonayo saameyntiisa siyaadda Mareykanka."" Waxaa aad loo ilaaniyaa weerarda ka imaan kara dhanka internet-ka inkastoo farogelinta Shiinaha ay aad u hormarsan tahay."" Maxay yirahdeen sirddoonka Mareykanka? Warbixin ayuu Mr Evanina ku sheegay in xukuumadda Tehran ay kasoo horjeedo in madaxweyne Trump uu mar labaad ku soo laabto Aqalka Cad. Waxa uu sheegay in Iran ay diiradda saareyso sidii ay baraha bulshada ugu faafin lahayd macluumaad been abuur ah oo la xiriira doorashada Mareykanka. Eedeymaha sirddoonka ayaa waxaa sii xoojinaya shirakadda Microsoft oo sheegtay in burcadda dhanka internetka ee xiriirka la leh dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Iran ay isku dayayaan iney basaasaan arrimaha doorashada Mareykanka. Kooxda Iran ee loo yaqaan Phosphorus ayaa la sheegay iney ku guul dareysteen iney gudaha u galaan cinwaanada saraakiisha Aqalka Cad iyo shaqaalaha doorashada u qaabilsan Trump. Isku daygaan ayaa la sheegay iney sameeyeen intii u dhaxeeysay bishii May iyo June ee sannadkan. Sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa warbixinta shirkadda Microsoft ku tilmaamay mid aanu waxba ka jirin. ""Iran ma khuseeyo cidda ku guuleysata doorashada Mareykanka,"" ayuu yiri Saciid Khatibzadeh." https://www.bbc.com/somali/war-54430766 +health """Hoyadeey waxay dhimatay iyada oo aan ii sheegin inaan cudurka HIV qabo""" "Waaliddiinta dhiiggooda laga hela HIV qaarkood iyaga oo aan cidna u sheegin in cudurkaasi laga helay ayey sidaa qabri ku galaan. Carruurtooda oo ay arkaan caafimaad darrada maalin walba soo wajaheyso ayey haddana ka qariyaan inuu hayo cudurka taasoo saameyn aan yareyn ku yeelata ubadkooda ay ifka kaga tageen. Brian marka uu dhashayba dhiiggiisa waxaa laga helay Faayraska HIV, laga billaabo marka ay da'diisu ahayd 10 jirna wuxuu qaadanayey dawada lagula tacaalo HIV-iiga. Hase yeeshee, ilaa ay da'diisu ka gaartay 14 jir oo ay hooyadiina ka geeriyooto ma uusan ogeyn dawada uu qaadanayo waxa ay tahay iyo cudurka uu u qaadanayo midna. Hadda Brian waa 22 jir wuxuu Kaniisadaha iyo goobaha dadka ay isugu yimaaddaan uu ka wadaa wacyigelin halku dhig uu uga dhigay ""Jiilka soo socda ha badbaado oo dhibka anagu hanagu ekaado!"". ""Carruurnimadeydi waxaan xusuustaa inaan aad u xanuunsanaa xaaladdeyda caafimaadna marba marka ka sii dambeysa ay ka sii dareyso ayey hooyadey dhakhtarka i geysay"" ayuu yiri Brian. Marki Brian baaritaan lagu sameeyey waxaa dhiiggiisa laga helay HIV wuxuuna billaabay inuu dawada lagula tacaalo HIV-iiga uu qato, balse hooyadii uma sheegin cudurka laga helay iyo dawada uu qaadanayo waxa ay tahay. Hooyadii markay dhimatay wuxuu la noolaa eeddadii, dadka jaarka la ah eeddadii ayaa waxay billaabeen xan ku aaddan cudurka Brian hayo carruurti ay dhaleenna waxay billaabeen iney farta ku fiiqaan iyaga oo sheegaya inuu cudurkaasi hayo. ""Waaliddiinta badankood waxay carruurta u sheegaan iney la ciyaarin carruurta uu hayo faayraska HIV"" ayuu yiri Brian Amondi. ""Qalbijabki ugu weynaa waxaan kala kulmay gabar aan kulannay xilli aan dhiganayey dugsiga sare oo igu tiri waxaad qabtaa cudurka AIDS-ka soo ma aha?."" Dalka Kenya iyo waddamada kale ee qaaradda Afrikaba carruurta iyo dadka waaweynba waxay qaadaan HIV, carruurta yar yar oo dhasha iyaga oo dhiiggooda uu ku jira faayraska HIV, haddana iyaga oo aan ogeyn inuu faayrasakaasi hayo ayey sidaa ku dhintaan. ""Dadka qaar waxay dawadooda ku qaataan si qarsoodi ah, aniguba marka aan hubsado dadku iney seexdeen oo ay jirin wax shanqarayo ayaan dawadeyda qaataa"" ayuu yiri Brian. Wini Arondi oo hadda 27 jir ah, iyada oo 12 jir ah ayey marki ugu horreysay ogaatay inuu dhiiggeeda uu ku jira faayraska HIV xilligaasina dareenkeeda sida uu noqday inuu ahaa mid ay hadda ka sheekeyn karin oo naxdin darteed uu wjiga la madoobaaday ayey sheegeysaa. ""Hooyadey marki ay dhimatay laba bilood kaddib dhakhtarki ay hooyadeey ku xirneyd ayaa soo wacay walaasheey iga weyn, wuxuuna u sheegay inaan keligeey isbitaalka yimaaddo oo aan baaritaan caafimaad sameeyo ayuuna u sheegay"" ayey tiri. Wini hooyadeed iney AIDS u dhimatay maadaamaa uu dhakhtarku ogyahay inuu dhiiggeeda ka baaro ayuu dhakhtarka doonayaa waxa uu ula soo xiriiray. Baaritaanki la sameyeyna waxaa dhiiggeeda laga helay faayraska HIV. Wini qoyskeeda iyada ayaa u yar walaalaheedna faayrsaka wey ka caafimaad qabaan. ""Maxay tahay sababta aniga oo keli ah cudurka la iiga helay walaalaheyna looga waayey? su'aashaasi ayaa ahayd mid in badan maskaxdeyda ku soo noqnoqta oo aan jawaab u waayey si weyna noolasheyda saameyn ugu yeelatay. Wini in mudda ah wey diiddaneyd iney dawada qaadato, hase yeeshee marka uu xanuunka ku saa'iday oo ay sariir fuushay ayuu maamulaha dugsiga ay dhigato uu dhakhtarka u sheegay sababta ay inta badan waxbarashada uga harto. Kaddibna Maamulihi wuxuu gaarsiiyey macallimiinti kale, warkina wuxuu ku sii faafay in gabadhaasi laga helay faayraska HIV. Intaa wixi ka dambeeyey noolasheeda ma noqon mid wanaagsan oo ardayda iyo macallimiintaba waxay billaabeen iney takooraan. ""Aadbaan uga xumaaday arrintaa, maxay iga dhibi lahayd haddii ay natiijada baaritaankeyga aniga ii sheegaan oo aan ogaado cudurka la iga helay? waxaan isku dayay inaan isdilo, haddana marki aan qayaasay haddii aan isdilo dhibka walaaladey soo gaari karo ayaan iska daayey"" ayey tiri Wini. Kooxaha u dhaqdhaqaaqa la dagaallanka HIV waxay rabaan iney bulshada ku baraarujiyaan waxbarashada la xiriirta jinsiga iyo cudurrada galmada lagu kala qaado. Dr Grifince Manguro wuxuu waaliddiinta uu kula talinayaa carruurtooda ay da'dooda u dhaxeyso 9-11 jir iney u sheegaan natiijadooda HIV-iiga ku saabsan isla-markaana ay ilmahooda si toos ah ugala hadlaan natiija kasta oo soo baxda. • Talaalka HIV oo laga billaabay Koonfur Afrika ""Ilmaha marka uu fahmo HIV waxa uu yahay oo loo sheego inuu faayrsaka qabo waxaa si fudud looga dhaadhicin karaa inuu sida ku habboon uu dawada u qaato, balse ilmaha oo aan xogta lala wadaagin oo laga qariyo waxay horseedeysaa iney carruurtu qaadanin dawadi loo baahnaa"" ayuu yiri Dr Grifince Manguro. Hase yeeshee, Briyan maadaamaa ay hooyadii iyada oo aan u sheegin inuu HIV uu hayo ay dhimatay, haddana kuma eedayo oo wuxuu aaminsan yahay sabab ay iiga qarisay oo ay iigu sheegi weyday hooyadii iney jirto." https://www.bbc.com/somali/war-48856070 +politics Maxay beeralleyda jaadka Kenya ka dhaheen dib u doorashada Xasan Sheekh Maxamuud? "Beeralleyda ka ganacsata khaatka ee Kenya ayaa xalay si toos ah u daawanayay doorashada madaxtinnimo ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale maalmihii la soo dhaafayna aad ula socoday halka ay mareyso. Qoraal ay ku soo daabaceen boggooda Facebook, ayaa Ururka Ganacsatada Khaatka ee Kenya oo magacooda loo soo gaabiyo NYAMITA waxay hambalyo ugu direen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya. ""Waxaanu rajeyneynaa horumar ka dhaca Soomaaliya iyo isdhexgal wanaagsan oo gobolka ah. Kheyr baan kuu rajeyneynaa mudane Madaxweyne."" Ayay ku yiraahdeen qoraalka. Ururka ayaa qoraal kale oo ay 12-kii bishan soo dhigeen boggooda waxay madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaameen ""cadowga khaatka"". Khaatka Soomaaliya uga imaan jiray Kenya ayaa in muddo ahba ay mamnuucid saaran tahay, taas oo sida ay ganacsatada khaatka Kenya ay sheegeen ku keentay dhaqaalo xumo aad u daran. Arrintan ayaa sidoo kale xumeysay xiriirka labada dal. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2016 markii ugu horreysay mamnuucay khaatka Kenya, taas oo saameyn weyn ku yeelatay ganacsiga khaatka Kenya oo markaas suuqo xumo la daalaa dhacayay. Mar uu ka hadlayay shir uu u ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in ganacsiga iyo cunista khaatkaba ay saameyn ballaaran ku yeesheen Soomaalida ay qasab tahay in la mamnuuco. Balse muddo kaddib ayaa dib loo fasaxay khaatka, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay dib u fasaxday khaatkii laga keeni jiray Kenya, ka dib wadahadallo dhexmaray madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa wadahadal ka yeeshay arrimaha ganacsiga ee khaatkuna uu ka midka yahay. Kenyatta ayaa ka qayb galayay shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey bishii September, 2016. Illaa iyo 16 duulimaad oo jaad sida ayaa maalin kasta aadi jiray Soomaaliya. Ganacsatada iyo beeralleyda jaadka ee Kenya ayaa waxaa soo gaaray khasaare malaayiin doollar ah intii diyaaradaha jaadku ay xayirnaayeen. Tallaabadii Xasan Sheekh uu ku mamnuucay jaadka Kenya ayaa xilligaas loo maleynayay inuu uga falcelinayay go'aankii ay Kenya ku dhawaaqday inay ku xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed. Soomaaliya ayaa arrintaas ku tilmaantay mid ""aan sharci ahayn"". Kenya iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa dhex yaallay xilligaas muran ka dhashay badda kaas oo dowladdii xilligaas ee Xasan Sheekh Maxamuud ay geysay maxkamadda ICJ. Kenya ayaa isku dayday inay Soomaaliya ku qanciso inay kiiska ka laabato si loo xalliyo muranka labada dal, balse taas ma aysan oggolaan Soomaaliya. Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale ku hanjabay in ciidamada Kenya ee KDF uu kala baxayo Soomaaliya, isagoo u aaneeyay deeqaha oo laga jartay. Balse falanqeeyeyaasha ayaa waagaas sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu ciqaabayo Soomaaliya oo laa daalaa dhacaysay la dagaallanka Al-Shabaab. Bishii March ee sanadkii 2020, ayay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mamnuucday diyaaradaha ka imaanayay dibadda, oo ay ka mid yihiin kuwa sida jaadka, tan oo qeyb ka ahayd dadaallada lagula dagaallamayo xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Dowladda ayaa dadka ka mamnuucday inay meel isugu yimaadaan oo ay jaad ku cunaan, taas oo ka soo horjeedda sharciga kala fogaanshaha bulshada. Waxay sidoo kale ka digtay in khaadka oo gacmaha lagu guro qudhiisa uu faafin karo xanuunka. Arrintan ayaa mar kale niyad-jab weyn ku keentay beeralleyda jaadka ee Kenya. Ilaa iyo haatan waxaa jaadka Kenya ee tagi jiray Soomnaaliya saaran xayiraad." https://www.bbc.com/somali/war-61461346 +business Ilaalinta dhaqanka: Sida Soomaalida ay kuulaha uga sameeyaan lafaha geela "Farshaxaniiste Soomaali ah oo lagu magacaabo Muuse Maxamuud Olosow ayaa si taxadar leh u kala soocaya lafo geel oo aad u badan, oo laga tuuray kawaanka magaalada Muqdisho, isagoo soo xushay qaybo uu ka sameynayo waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan iyo tusbaxyada. Muuse oo 55 jir ah, waxa uu u dulqaatay dhibaatooyin si uu u sii noolaado ganacsigiisa. Sannadkii 2006-dii, waxa gacanta ku toogtay wiil la dhashay milkiilaha goobta lafaha geela uu ku kala shaandheesto. Muuse waa mid ka mid ah afar farsamayaqaan oo Soomaaliya ku nool oo ka shaqeeya lafaha geela. Sannadkii 1978-dii, oo ka mid ah xilliyadii badnaa ee ay Soomaaliya ka jireen dagaallo iyo qalalaase, waxaa Muqdisho iyo magaalooyin kaleba lagu dilay tobannaan farsamo-yaqaanno ah, kuwaasoo ay dileen kooxo hubeysan, ayuu yiri Muuse oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Muddo sanado ah, wuxuu shaqadiisa lafaha si qarsoodi ah uga shaqeynayay guriga, ka dibna wuxuu si qarsoodi ah ugu iib geeyaynayay suuqyada. Muuse , oo gacmihiisa iyo cududdiisa xoogga badan ay ka muuqato shaqadiisa owgeed, ayaa waxa uu farsamada ka bartay aabihii sannadkii 1976-dii. Waxa uu qorsheynayaa in uu hubiyo in dhaqankan tobaneeyada sano jiray uusan lumin ka dib marka uu isaga ka tago. ""Carruurteyda waxay iga dhaxli doonaan xirfadahan aan ka dhaxlay aabbahay, ma doonayo in xirfadahan ay meesha ka baxaan,"" ayuu yiri isagoo ka hadlayay goobtiisa shaqada ee caasimadda Soomaaliya, oo ay lafo ku hareeraysan yihiin. Macaamiishiisa ayaa u badan masuuliyiin dawladeed ama maalqabeeno Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa. Mid ka mid ah tusbaxyadiisa sida layaabka leh uu u xardhay ayaa la iibiyaa $50 doolar. Macmiil soo booqday dukaankiisa ayaa sheegaya in shaqadu ay agabka iyo qiimaha ay isu qalmaan. ""Waxa aan doorbidaya ayaa ah tayada ma aha qiimaha. Waxaan tusbaxaan ka door bidayaa tusbaxyada laga keeno wadammada kale sida Shiinaha."" Soomaaliya waxay hoy u tahay geela ugu badan adduunka, waxaana dadku boqolkiiba lixdan dhaqaalahooda ka helaan geela iyo xoolaha kale, sida lagu ogaaday cilmi-baaris ay sameysay dowladda Mareykanka 2019. Muuse iyo qoyskiisa, shaqada lafaha geela ayaa u ahayd isha ugu weyn ee ay dhaqaalaha ka helaan muddo tobanaan sano ah. Waxay mashiinada ay ku shaqeystaan oo Talyaaniga laga keenay ku maalgeliyeen ku dhawaad ​​$5,000, taas oo u sahashay inay u fududaato shaqada. Waxa uu haatan ku hamminayaa in uu agabkiisa dibadda u iibgeeyo. ""Qorshahayagu waa in aan dalalka kale u dhoofinno agabkan, waanu sii wadeynaa farsamadan ilaa aan ka taajirayno, Illahay idamkii"" ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/war-59257980 +business Gabar iyadoo iskuulka joogta jallaato lagu siray oo qoyskeeda ka maqneyd 9 sano "Kaddib sagaal sano, Pooja Gaud oo 16 jir ah ayay ugu dambeyntii u suurtagashay inay madaxeeda saarto dhabta hooyadeed. Pooja ayaa la waayay 22-kii Janaayo 2013-dii markaas oo ay jirtay toddobo sano. Waxay sheegtay in laga soo kaxeeyay meel ka baxsan iskuulkeeda oo ku yaalla magaalada Mumbai ee gobolka Maharashtra ee galbeedka Hindiya, waxaana ka soo kaxeeyay lamaane ku soo jiitay jallaato. Afartii Agoosto ayaa la helay kaddib markii la sheegay inay si mucjiso ah u soo baxsatay. Hooyadeed, Poonam Gaud, ayaa sheegtay in farxad darteed ay suuxi gaartay. ""Waan ka quustay in aan helo gabadhayda. Laakiin Ilaahay ayaa dib iigu soo celiyay,"" ayay tiri. Booliska ayaa sheegaya in gabadha ay afduubteen Harry D’Souza iyo xaaskiisa Soni D’Souza, sababtoo ah lamaanahaas Ilmo ma aysan dhalin. Booliska ayaa xiray Harry D’Souza. Ka hor intaan la waayin Pooja waxay la noolayd labo walaaleheed ah iyo waalidkeed, waxayna ku noolaayeen guri yar oo ku yaalla xaafadda isku raranka ah ee duleedka magaalada Mumbai. Pooja ayaa sheegtay in lamaanahan ay markii hore geeyeen Goa kaddibna Karnataka, oo ku kala yaalla galbeedka iyo koonfurta Hindiya, waxayna ugu hanjabayeen inay garaaci doonaan haddii ay ooyso ama laga dareemo inay xoog ku soo kaxaysteen. Waxa ay sheegtay in loo oggolaaday in ay iskuulka dhigato muddo kooban, laakiin markii ay lamaanahan dhaleen ilmo laga saaray iskuulka, dhamaantoodna loo wareejiyay Mumbai. Pooja waxay sheegtay in xadgudubku uu ka sii daray kaddib markii uu ilmuhu dhashay. ""Suun ayay igu garaaci jireen, sidoo kale waxaa la igu sameeyay inaan shaqada guriga qabto oo aan shaqeeyo 12 ilaa 24 saac,"" ayay tiri. Guriga ay ku nool yihiin qoyska D'Souzas wuxuu ahaa mid aad ugu dhow kan ay qoyskeeda deggan yihiin laakiin, “ma aqoon waddooyinka, had iyo jeer waa la i ilaalin jiray oo lacag iyo telefoon midna ma haysan, mana aanan awoodin inaan caawinaad helo,” ayay tiri. Baxsashadii Pooja ee uu nasiibka saaciday Laakiin maalin maalmaha ka mid ah, Pooja waxaa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigto mobaylka lamaanahan markii ay hurdeen oo ay magaceeda ku qortay YouTube. Waxay heshay muuqaallo iyo boorar ay ku xusan yihiin afduubkeeda iyo lambarro ay wici karto hadii ay gargaar u baahato. ""Markaasi ayaan go'aansaday inaan raadsado caawimo oo aan baxsado,"" ayay tiri. Laakiin, waxa ay ku qaadatay toddobo bilood ka hor inta aysan helin geesinnimo ku filan oo ay kula hadasho Pramila Devendra, oo ah 35 jir ka shaqaynaysay isla guriga ay Pooja ku nooleyd. Devendra isla markiiba waxay oggolaatay inay caawiso. Mid ka mid ah nambarrada ku yaal boorka maqan ayay ka heshay Pooja hooyadeed. Hooyada iyo inanta ayaa markii ugu horeysay ka wada hadlay muuqaal kaddibna waa ay ballameen si ay isku arkaan. Hooyadeed waxa ay sheegtay in ay eegtay calaamad ay ku dhalatay oo ay ogayd in ay gabadheeda ku taallo, markii ay heshayna ay dareentay inay gabadheedii tahay . ""Dhammaan shakiyadayda markiiba way baxeen, waan xaqiiqsaday inaan helay gabadheyda,"" ayay tiri. Devendra waxay ku faraxsan tahay inay qayb ka qaadatay dib-u-midoobida Pooja iyo hooyadeed. Kulanka kaddib, Pooja, xubno kooban oo qoyskeeda iyo Devendra waxay aadeen saldhigga booliska si ay uga dacwoodaan. ""Booliska wax walba waan u sheegay, xitaa waxaan u sheegay halka ay ku nool yihiin afduubeyaasha,"" ayay tiri. Taasi waxay keentay in la aqoonsado eedaysaneyaasha oo la soo xiro." https://www.bbc.com/somali/articles/c72dprwg3lvo +religion Muslimiinta India oo haatan qaba cabsi aan hore u soo marin "Soddon sano ku dhawaad iyo 850 markhaati ah, 7000 oo dukumenti, sawirro iyo muuqaalo duuban oo la hor keenay ka dib, ayaa maxkamad ku taal dalka India cidna ba ku weyday dembi ah inuu gubay masaajid la dhisay qarnigii 16-aad oo ay kooxo Hindu ahi weerareen oo ku yaal magaalada [Hindu-ga u] barakaysan ee Ayodhya. Eedaysanayaasha waxa ka nool 32 qof oo uu ku jiro ra'isal wasaare ku xigeenkii hore ee dalka LK Advani iyo dhawr hogaamiye oo ka tirsan xisbiga BJP. Arbacadii ayaa maxkamaddu dhamaantood dembi ku weyday, waxaanay sheegtay in burburka masaajidka ee 1992 dhacay ay ka dambeeyeen ""qas wadeyaal"" aan la garanayn sidoo kalena ahaa weerar aan qorshaysnayn. Go'aan laga soo saaray dacwad loo heystay mas'uuliyiin lagu eedeeyay burburinta masaajid Go'aankaas ayaa soo baxay iyada oo la hayey maragyo badan oo lagu kalsoonaan karo oo caddaynaya duminta masaajidka. Weerarkaas oo socday dhawr saacadood ayaa la sii qorsheeyey laguna fuliyey iyada oo aan ciqaab laga cabsi qabin oo ay qaar ka mid ah boolisku gaadh ka hayeen iyadoo kumanaan qof daawanayeen. Sannadkii hore ayaa Maxakamadda Sare ee India waxay qirtay in arintu ahayd ""fal badheedh"" ah kuna tilmaantay ""in si qaawan loogu tuntay sharciga"". Guud ahaan xukunkan waxa loo arkayaa inuu marag u yahay dhaliisha ah in garsoorka India yahay mid fowdo ah. Dad badani na waxay ka cabsi qabaan in xukunkani dhaawac aanu ka soo waaqsanayn gaadhiisyey sababtuna tahay faro galin qaawan oo siyaasadeed oo tobanaan sano ku socotay iyo sidoo kale miisaaniyad yaraan iyo aqoon darro. Waxa se usii gaar ahi waa in xukunkani sii muujiyey gacan bidixaynta sii kordhaysay ee haysata 200 milyan ee Muslimiinta dalkaas ah. Afar walaalo ah: Ifka maalin bay wada yimaadeen aroos wadareedna way dhigteen Intii ay talada haysay xukuumadda uu hogaamiyo Narendra Modi ee xisbiga BJP, Muslimiintu waxay dareemayeen in cadaadis hor lihi fuulay iyo dulayn aanay hore ugala kulmin taariikhda xisbigan wadaniga xag jirka ah ee hogaanka u haya India oo lagu tilmaamo inuu ahaa dalka ugu weyn ee dimuqraadiyadi ka jirto dunida tan iyo markii uu xorriyadda qaatay 1947. Kooxo ayaa dad Muslimiin ah ku dilay in ay cuneen hilib lo'aad awgii taas oo Hindu-ga u barakaysan. Xukuumadda Modi ayaa sidoo kale wax ka bedeshay sharciyada dalka si ay ugu fududaato qaxootiga aan Muslimiinta ahayn ee wadama deriska ka soo qaxay in ay heli karaan jinsiyadda dalkaas. Waxay sidoo kale xukuumaddu laba u kala qaaday gobolka Jammu iyo Kashmir oo aqlabiyadiisu ay Muslimiin yihiin waxaanay sidoo kale laashay sharcigii xukun hoosaadka ee gobolkaas lagu dhaqi jiray. Sannadkan ayaa Muslimiinta waxa si gaar ah loogu eedeeyey in ay iyagu sabab u yihiin oo ay fidinayaan fayraska korona ka dib markii xubno ka tirsan jamciyad Muslimiin ahi ay kulamo diimeed ku qabteen magaalada Delhi. Hase yeeshee isku soo baxyada ballaadhan ee dadka haysta diinta Hindu-ga ee aqlabiyadda ah ayaan sidaas oo kale loo siyaasadayn ama aanay warbaahintu wax eed ah u jeedinin. Intaas uun maaha. Ardayda Muslimiinta ah iyo intooda u dhaqdhaqaaqa xuquuqdooda ayaa la xidhxidhay iyada oo lagu eedaynayo in ay rabshado kiciyeen markii xukuumaddu soo saartay xeerka muranka badan dhaliyey ee jinsiyadda, halka Hindu-ga qas wadayaasha ah aanay iyaga cidiba waxba u raacan. Xukunkan maxkamaddu ka soo saartay masaajidka Babri ayaa Muslimiin badani ku sheegeen inuu yahay uun dullayntii lagu hayey oo sii socota. Dareenka ah in dalka laga xigsanayaa waa xaqiiq jirta. Xisbiga Modi ayaan qarsan in uu aaminsanyahay sarraynta aqlabiyada Hindu-ga. Xarumaha warbaahineed ee arintaa taageersani iyaguna si badheedha ayay Muslimiinta u takooraan. Xisbiyadii beryaha qaar awoodda badnaa ee ka jiray gobollada India oo Muslimiinta difaaci jiray ayaad haatan moodaa in ay garabkooda ka baxeen. Mithun Chakraborty iyo wiilkiisa sida la isu barbardhigayo ""Muslimiintu xaqiiq ahaan kalsooni kuma qabaan nidaamka jira. Waxay dareemayaan in la colaadinayo waxaanay rumaysan yihiin in xisbiyada siyaasadeed ee India, warbaahinta iyo hay'adaha dawladduba ay cidlo dhigeen"" ayuu yidhi Asim Ali oo ah cilmi-baadhe ka tirsan mac-hadka Centre for Policy Research ee ku yaal Delhi. Tirada caruurta [Muslimiinta ah] ee dugsiyada la qoraa way badnayd laakiin waxa aad iyadna u badan ardayda iskuulada ka tagayay sababta ugu weyni na waxa weeyi takoorka dhaqaale. Wakiilada Muslimiinta ee baarlamanka India si joogto ah ayay isu soo dhimaysay oo haatan waxay ku leeyihiin in ka yar 5% aqalka hoose ee baarlamanka halka ay markii hore ka ahaan jirtay 9% sannadkii 1980. Laakiin markii xisbiga BJP talada qabtay sannadkii 2014 waxay ahayd markii ugu horraysay ee xisbi aan xildhibaan Muslim ahi ku jirin ku guulaysto doorashada. Modi iyo jaalkiisu waxay si joogto ah u sheegaan in xisbigoodu aanu diimaha takoorin. Ra'isal wasaaruhu wuxuu sheegay inuu taageero ka helo dalal badan oo Muslim ah, barnaamijkiisa taakulada ee kharashka badani ku baxo na ay ka faa'iidaan dadka saboolka ah ee India oo dhami, iyada oo aan loo eegayn diintooda iyo dabaqadda ay ka tirsanyihiin toona. Sanado badan ayaa BJP wuxuu ku eedaynayay xisbiyada qaba aragtida Liberal-ka ee mucaaradka ah kuwo ""ku gabbanaya cilmaaniyadda"". Dadka qaar baa rumaysan in wax ka jiraan eeddaa. Waxaanay tusaale u soo qaataan xisbiga Shuuciga ah ee xukumayey gobolka Galbeedka Bengal ee dhanka bari ee India ku yaal mudo soddon sano iyo dheraad ah ay afka baarkiisa uun ka ahayd cilmaaniyadda iyo xaqiijinta ilaalinta iyo nabad gelyada Muslimiinta oo qiyaastii rubuc ka ah bulshada dalkaas. India: Dumarka quruxda u tartamaya maxaa isku wada ekaysiiyey! Hase yeeshee arintu wada quus maaha. Waxa jira oo soo kacaya dhalinyaro aftahan ah oo dabaqada dhexe ku jira oo aan ka gabbanayn kala qaybinta jirta. Mudaharaadadii baahay ee lagaga soo horjeeday sharciga jinsiyadda, ayaa waxa ka qayb galay tiro badan oo ka mid ah raggaa iyo gabdhahaa Muslimiinta ah ee aftahanka ah oo dariiqyadi magaalooyinka India ku muujiyey in aanay waxba ka jirin fahamka qaldan ee ah in bulshadaasi wada tahay xaabo aan cod lahayn. Waxa bilaabmay kulamo tacliineed oo heer bulsho ah oo lagu tabobarayo dhalinyaro Muslimiin ah oo ku tartamaya imtixaanada lagu helo shaqooyinka dawladda ee magaca leh. ""Dhalinyarada Muslimiinta badankoodu waxay cidda ay yihiin ku muujiyaan astaamo ay gacmaha ku xidhaan oo ay si togan ugu muujinayaan in aanay ka baqayn in ay ra'yigooda cabiraan"" ayuu yidhi Asim Ali. Laakiin guntii iyo gabogabadii, xukunkaa ah in eedaysanayaasha dembi lagu waayey wuxu Muslimiinta India ku sii xoojinayaa uun walaacii ay qaybeen. ""Siyaabo badan markaad u eegto, waa bulsho la takooray. Waxa jira dareen ay qabaan oo ah in aanay awood lahayn. Muslimiinta waxa dhibaato sannado badan ku hayey hogaamiyeyaashooda iyo kuwa Hindu-ga labadaba ee ku jira xisbiyada oo dhan"" ayuu yidhi Zaheer Ali oo ah khabiir culuumta siyaasadda ku takhasusay, waxaanu intaa ku daray ""saboolnimaduna way uga sii dartay""." https://www.bbc.com/somali/war-54375827 +sports Arda Turan: Ciyaaryahan ka tirsan Barcelona oo xukun ku muteystay ka dib markuu Isbitaal xabad ku dhex riday "Ciyaartoyga qadka dhexe ugu ciyaara kooxda Barcelona ee Arda Turan ayaa lagu xukumay ku dhawaad seddex sano oo xabsi ah ka dib markii isbitaal dhexdiisa uu xabad ka riday ka dib markii dagaal dhexmaray isga iyo qof heesaa ah. Turan oo hadda amaah ku jooga kooxda Istanbul Basaksehir, ayaa sannadkii tagay la dagaallamay heesaaga caanka ah ee Berkay Sahin, kaas oo uu feer sanka kaga jabiyay. Ciyaartoyga oo 32 sano jir ah ayaa markaa ka dib tagay isbitaalka, wuxuuna ku riday xabad. Waxaa ayaa ku heshay dembi ah inuu cisbitaalka dhexdiisa ka abuuray argagax, haysashada qori sharci daro ah iyo inuu si ulakac ah qof u dhaawacay. Xukunka lagu riday wuxuu yahay laba sano iyo sideed bilood oo xabsi ah, laakiin kuma sii jiri doono xabsiga haddii shanta sano ee soo socota uusan dambi galin. Laacibkan u ciyaara kooxda stanbul Basaksehir, wuxuu ka tirsan yahay Barcelona oo si amaah ah looga iibsaday. Kooxda uu amaahda ku joogo ee Istanbul Basaksehir ayaa dhacdadaas awogeed ciyaartoygan ku ganaaxday lacag dhan 2.5 milyan oo lira (£350,000). Wararku waxay sheegayaan in fannaanka, Berkay Sahin, uu la socday xaaskiisa Ozlem Ada Sahin, waxayna ku sugnaayeen baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Istambul, bishii October, xilligaas oo dagaalka uu bilowday. Ms Sahin ayaa wargayska Haberturk u sheegtay in Turan uu weerar ku soo qaaday ninkeeda oo aad looga yaqaano Turkiga. Fannaanka ayaa markii dambe isbitaal loo qaaday si qaliin loogu sameeyo sankiisa oo jabay. Dhacdadu halkaas kuma aysan dhammaan. Turan wuxuu ka soo muuqday isbitaalka isaga oo sita qori isla markaana cafis dalbanaya. wuxuu bartiisa tweeter-ka ku qoray inuu khalad galay, kooxdiisa iyo qoyskiisana uu ka dalbanayo cafis. ""Dhacdooyinkan waxaan ka bartay casharro"" ayuu qoray. ""Hadafkeyga ugu weyn waa inaan qoyskeyga, xaaskayga, kooxdeyda iyo saaxibadeyda ay igu faanaan"", ayuu yiri. Ciyaartoygan khadka dhexe ka dheela wuxuu u dhashay Turkiga. Xirfadiisa kubadda wuxuu ka bilaabay kooxda Galatasaray isagoo marka da'yar. Waxaa loo magacaabay kabtan markuu 21 sano jirka ahaa. Wuxuu u dhaqaaqay kooxda ka dhisan Spain ee Atletico Madrid sannadkii 2011-kii, ka dib waxuu ku biiray kooxda Barcelona oo sannadkii 2018-kii amaah ahaan ku siisay kooxda Istanbul ee Basaksehir. Turan ayaa dhaliyay 17 gool 100-ka kulan ee uu u saftay dalkiisa, taas oo ka dhigtay inuu noqdo ciyaaryahanka afaraad ee Turkiga u dhashay oo kulamada ugu badan u ciyaaray xulka Qarankiisa. Sannadkii 2017-kii ayuu ku dhwaaqay inuu ka fadhiisan doono ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii sida la sheegay uu si xun ula dhaqmay suxufi saarnaa diyaaradda xulkiisa. Sannadkii hore, Turan waxaa laga ganaaxay 16 kulan in uusan ciyaarin ka dib markii uu labadiisa gacmood ku riixay garsooraha ciyaarta, waxaana durbadiiba loo taagay kaarka casaanka ah iyo ka dibna waxaa la saaray ganaaxa." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-49672363 +health 4 arrimood oo kaa caawin kara in aad caafimaad iyo farxad ku noolaato Waxaan halkan ku soo koobeynaa 4 arrimood oo Saynisku qeexay oo Muhiim ah islamarkaana kaa caawin kara inaad Nolol dheer oo farxad leh ku noolaato. Dadka intooda badan waxay jacel yihiin inay noolaadaan nolol dheer oo farxad leh. Hadaba haddii aad ka mid tahay dadka noocaasi u fikira, kaliga ma tihid. Inkastoo caafimaadka iyo cimri dheerarku uu yahay mid uu alle hayo, hadana waxaa jira waxyaabo qofka ka saacidi kara in uu caafimaad ku noolaado. Halkan waxa idinku soo gudbinaynaan 4 qodob oo kaa caawin kara in muddo dheer aad caafimaad ku noolaato, waana talooyiin seynisku uu cadeeyo oo ku dhisan xaqiiqooyin cilmiyeed. Cilmi-baaris ay sameeyeen kooxo kala duwan ayaa muujinaya in miisaankaaga oo aan kordhin, sigaar oo aadan cabbin, in aadan isticmaalka khamriga , iyo cunista ugu yaraan shan cunto oo khudaar ay ku jirto maalintii ay kordhin karaan rajada noloshaada sanado badan. Qofka cabba sigaarka ama khamriga waxaa kordha miisaankooda waxaana xumaadda xaaladooda caafimaadka. Qofku waa in uu iska yareeyaa cunnooyiinka ay ku badan yihiin tamarta. Cunista cuntooyin yar yar oo ay saacado u dhaxeeyaan maalintii ama in uu qofka soomo siddeed saacadood maalintii ama uu toddobaadkii labo maalin ka soomo ayaa la aaminsan yahay inay yarayso khatarta ah in dadka da'da dhexe ay ku dhacaan cudurrada la xiriira da'da. Adduunka, qaab nololeedka aan wanaagsanayn wuxuu si toos ah u keenaa 10% dhimashooyiinka degdeg ah oo ka dhasha cudurrada muddada dheer dadka haya. Hab-noolaleedka qofka oo xumaadda iyo jimicsi la'aanta waxaa ka mid ah cudurada ka dhasha wadne xanuunka, nooca 2aad ee macaanka, iyo noocyada kala duwan ee kansarka. Haddii qof kasta oo adduunka ku nool uu helo jimicsi ku filan, waxay taasi qofka ka caawinaysaa inuu ku noolaado nolol dheer oo caafimaad leh. Balse intee in le'eg ayaa jimicsiga ugu fiican ee loo baahan yahay? Jimicsiga aadka u badan wuxuu wax u dhimi karaa habka difaaca jirka wuxuuna kordhin karaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurrada la xiriira neefsiga. Waxaa uu qofku u baahan yahay in 30 daqiiqo oo jimicsi ah uu maalinkii qaato islamarkana dadka intooda badan intaas ayaa ku filan. Jimicsiga oo aad maalin kasta sameyso kaama caawinayso oo kali ah in aad xoog yeelato, balse waxay sidoo kale gacan ka geysanaysaa xaaladaada inay wanaagsanaato. Si kasta oo aad u xoog badan tahay iyo si kasta oo aad wax u cunto, balse nasiib darro, mar walba oo uu qofka waayeel noqdo waxaa hoos u dhaca difaaca jirkiisa. Difaaca jirka oo liita iyo la dagaalanka caabuqyada ku dhaca jirkaaga waa natiijada hab-dhiska difaaca jirka oo daciifa. Waxay bilaabataa inay hoos u dhacdo difaaca jirka qofka sanadaha ugu horeeya qaan-gaarkiisa, islamarkana mar walba oo qofka da'diisa ay koradho waxaa wax iska dhimaya difaaca jirka. Qofka marka uu waayeel noqdo islamarkana uu is dhimi difaaca jirkiisa waxaa sahlanaaneysa in cudurrada ay ku dhacaan. Si sare loogu qaado difaaca jirka ee qofka waa in uu isticmaalo nafaqooyin kale si loo dhaqaajiyo unugyada difaaca ee jirka sare na loogu qaado. Waxay arrintani gacan ka geysanaysaa wanaajinta difaaca jirka ee dadka da'da ah. Maadada la yiraahdo Senescencia waa xaalad sun ah oo saameysa unugyadeena marka aan waayeelka noqono, kaasi oo ku faafa jirka oo dhan islamarkana u keena dhaawacyo fudud iyo xanuun joogto ah. Sannadkii 2009-kii, saynisyahannadu waxay ogaadeen baaritaan ay ku sameeyeen jiirar muddo dheer si caafimaad ah u noolaa ka dib markii la siiyay dawo la yiraahdo rapamycin, taasoo ilaalisa borotiinka loo yaqaan mTOR. Daawadan waxay caawisaa oo ay nidaamisaa sida unugyadu u helaan una habeeyaan nafaqooyinka. https://www.bbc.com/somali/war-59093311 +entertainment Farxaddii uu ka helay meel uu u tagay in timaha looga jaro "Jilaaga rug caddaaga ah ee reer Hindiya, Rishi Kapoor, ayaa aad u farxay markii uu maqlay hees uu qaaday isagoo filin jilaya xilli uu aad u da' yaraa. Mr Kapoor heesta 'Mai Shayar To Nahi' looga daaray meherad timajare ah oo uu y tagay in timaha looga xiiro. Jilaagan ayaa hadda ku sugan dalka Mareykanka, halkaasoo looga daweynayo xanuunka kansarka ee uu qabo. Nin ka mid ah shaqaalihii meheradda, oo u dhashay ruushka ayaa heesta caanka ah daaray isla markii uu aqoonsaday in qofka soo galay uu yahay Rishi Kapoor. Rishi ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay muuqaal uu ku qoray: ""Heestii astaanteyda ahayd ayaa laga daaray goob aan u tagay in timaha la iiga jaro. Nin Ruush ah ayaa I aqoonsaday, wuxuuna heesta kasoo saaray keydkiisa fanka. Mahadsanid Sergie."" Filin sameeyaha lagu magacaabo Rahul Dholakia ayaa arrintan kusoo xasuustay dhacdo kale oo taas la mid ah. Rahul ayaa ku dul jawaabay muuqaalka uu Twitter-ka soo dhigay Rishi wuxuuna sheegay in sidaasoo kale ay ku dhacday mar ay la socdeen hooyadiis iyo habaryartiis, ayna ku sugnaayeen magaalada Las Vegas ee isla dalka Mareykanka. Rishi Kapoor ayaa sidoo kale aad u farxay markii ay booqdeen jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Suniel Shetty iyo xaaskiisa. Suniel waa atoore Hindi ah, waxayna Soomaalidu u taqaannaa Balwaan. Sawir ay ka muuqdaan Rishi, xaaskiisa, Suniel iyo xaaskiisa Manna ayuu soo dhigay Twitter0-ka wuxuuna ku qeexay sida uu ugu farxay booqashadooda, taasoo uu uga mahad celiyay. Ranbir Kapoor, oo ah wiilka uu dhalay Riishi, jilaa caan ahna ka ah Hindiya ayaa si joogto ah aabihiis ugu booqda isbitaalka, isagoo ay wehliyaan saaxiibadiis. Mr Kapoor ayaa muddo 11 bilood ah ku sugnaan doona Mareykanka, sida uu dhawaan u sheegay warbaahinta Mumbai Mirror. Intii lagu guda jiray sanadkan, waxaa Rishi magaalada New York ku booqday jileyaal badan oo ay ka mid yihiin: Deepika Padukone, Malaika Arora Khan, Karan Johar iyo kuwo kale. Atoorahan sida weyn looga yaqaanno dunida ayaa dhashay bishii Sitembar ee sanadkii 1952-kii. Rishi Kapoor waxa uu abaalmarinta Filmfare ku qaatay filimkiisii ugu horreeyay ee uu jilay isagoo weyn sanadkii 1974-kii." https://www.bbc.com/somali/war-49388852 +business """Waqtiga aan qoyskeyda la qaato waxaa ka badan waqtiga aan Maroodiga la qaato.""" "Kushal Konwar Sarma ayaa buslhada xanaaneysa duurjoogta dalka Hindiya waxay u yaqaanaan ""Dhakhtarkii Maroodiga "". Waxa uu muddo 35 sano ah ku qaatay xanaaneynta iyo daryeelka Maroodiga, isaga oo badbaadiyay noolasha kumannaan Maroodiyaal ah oo ku nool keymaha Hindiya iyo Indonesia, sida ay qortay laanta afka Hindiga ee BBC. ""Waxaan ahay qofka ugu farxadda badan markaan ag-joogo Maroodiga,"" ayuu yiri Dr Sarma. ""Waqtiga aan qoyskeyda la qaato waxaa ka badan waqtiga aan Maroodiyada la qaato."" Ayuu intaa ku daray. Dr Sarma waa 60- jir ah imika waxa uu ku koray tuulo lagu magacaabo Barma oo ku taalla gobolka wuqooyi bari ee Assam,. Waxaa gobolkan ku nool 5,000 Maroodi oo ka mid ah 27,000 ee Maroodi ee Hindiya ku nool, sida lagu xusay daraasad la sameeyay sanaddii 2017. Waxaa uu sheegay in uu fahmayo ""luuqadda"" Maroodiga iyo quudintooda,waxaan kula xiriiraa oo kula hadlaa luuqada dhagoolayaasha,"" ayuu yiri. Waxaa uu intaa ku daray ""Imika Maroodiga intiisa badan wuu i garanayaa"". Dr Sarma ayaa waxaa la gudoonsiiyay abaalmarinta Padma Shri, oo ah abaalmarinta rayidka ee ugu sareysa dalak Hindiya horraantii sanadkan. Sida uu ku sheegay qiyaastiisa, wuxuu daweeyay in ka badan 10,000 oo Maroodi. Waxaa uu howshiisan bilaabay 1984, markaasi oo uu daweeyay Maroodigii ugu horeeyay, isaga oo markaasi tababar ka qaadanayay Prof Subhash Chandra Pathak. ""Waan xusuustaa markii ugu horeysay oo aniga oo la socda aan aaday beerta lagu xanaaneeyo Duurjoogta ee Manas si aan u daweeyo Maroodiyayaal, maalinkaas aad ayaan u farxay,"" ayuu yiri Dr Sarma. Xiriirka uu la leeyahay Maroodiga ayaa soo bilaabay tan iyo yaraantiisii, markaasi oo qoyskiisa ay guriga ku xanaaneyn jireen Maroodi dhiddig ah oo lagu magacaabi jiray Laxmi. ""Markii aan toddobo sano jiray, waxaan dusha uga fadhiisan jiray Laxmi islamarkana tuulada ayuu igu soo wareejin jiray, waa sidaa sida aan ku bilaabay inaan Maroodiga la noolaado."" Jaceylka iyo xiriirka uu la leeyahay Maroodiga ayaa u hurseeday in xirfadiisa dhakhtarnimada ka dhigo xanaanada xoolaha. Gobolka Assam ayaa ah mid caan ku ah fatahaadaha islamarkana, ay halis galaan duurjoogta. Beerta lagu xanaaneeyo Duurjoogta ee Kaziranga ayaa ka mid ah goobaha ay hay'adda Unesco u asteysay dhaqanka. Gobolkaasi fatahaadihii ku dhuftay bishii July ayaa waxay saraakiisha Hindiya sheegeen inay ku dhinteen 51 ka mdi ah duurjoogtii ku jirtay beertaasi. ""Duurjoog badan oo beerta ku jirta ayay waxyeelo ka soo gaartaa xilli roobaadka, xayawaano badan ayaa dhinta xitaa Maroodiga daadka ayaa qaada ,"" ayuu yiri Dr Sarma. Dr Sarma ma jirto cid u sheegta in uu aado halkaasi si uu duurjoogta uga badbaadiyo fatahaadaha. ""Mar walba aniga ayaa is xilqaama sababtoo ah waxaan doonayaa inaan isku dayo inaan badbaadiyo duurjoog badan inta suurtagalka ah. Dr Sarma waxaa uu deeray dhul dhan 300,000km oo ah keyn ku taalla gobolka Assam, halkaasi oo uu inta uu dhexgalo ku daweeyo kumannaan Maroodi. Inkastoo Dr Sarma uu shaqadiisa jacelyahay hadana waxaa uu ogyahay halista ay leedahay. Marar badan ayuu naftiisa halis galiyay isaga oo shaqadiisa gudanaya. ""Waxaan mararka qaar la yaabaa, sida aan ku badbaado?"" ayuu is waydiiyay. ""Mar ayaa waxaan habeen dhan ku baryay geed korkiisa si aan u dajiyo Maroodi dhidig ah oo aan doonaynay inaan qabano oo aan daawyno."" Ayuu intaa ku daray. Balse waxaa uu sheegay iyada oo ay halista jirto hadana in uu waajibaadka shaqadiisa guto. Waxaa uu sidoo kale doonayaa inuu dhiirigaliyo gabadhiisa oo imka dhameysay jaamacadda islamarkana qaadatay shahaadada xanaanada xoolaha. ""Waxaan doonayaa in gabadheyda ay sii wado howsha daaweyn Maroodiyada aniag ak dib.""" https://www.bbc.com/somali/war-54676147 +technology Isticmaalka Mobile-ka: Ma ogtahay in telefoonka uu burburin karo noloshaada? Telefoonka gacanta waa aalad yar oo saameyn weyn ku leh nolosheenna, kuwa sida wanaagsan u isticmaalana waxay ka heli karaan faa'iidooyin aad u badan. Dunida teknolojiyadda ayaa la micno ah in adeegsiga telefoonka gacanta uu caan yahay sanad walbana ay malaayiin qof ku soo biiraan adeegsigiisa. Waxay tani fududeysay xiriirka iyo adeegyada dunida. Haddana adeegsiga telefoonka gacanta ayaa wata khatartiisa gaarka ah taas oo dadka intiisa badan aysan marka hore rumeysan inay saameyn ku yeelan karto caafimaadkooda, caafimaad ahaan keliya maahee xitaa jir ahaan iyo xitaa inay khatar gelin karto noloshooda. Haddii aadan ogeyn in telefoonka aad maalin walba isticmaasho uu burburin karo karo noloshaada - waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa afar siyaabood oo aad halis ku geli karto haddii aadan si fiican u adeegsan telefoonkaaga. Tani way caddahay oo dadka ku takhasusay cilmu-nafsiga ayaa sheega in teleofonku uu soo bixin karo dabeecadda qofka gaar ahaan marka ay timaaddo la dhaqanka bulshada. Ma aha wax lala yaabo in dadka dhalinyarada ah ay isticmaalaan teleofonka gacanta iyaga oo aad u da' yar, gaar ahaan marka ay awoodaan inay dadka si fiican ula xiriiraan. Waxay qabatimeen isticmaalka telefoonnadooda, marka aysan heysanna waxay noloshooda noqotaa mid aan caadi ahayn waxaana laga yaabaa inay xanuunsadaan. Meeqo jeer ayaad qof la hadashay balse uusan xitaa ku soo eegeyn? Indhihiisa iyo dhammaan dareenkiisa waxay ku wajahan yihiin telefoonkiisa. Tani waxaa sabab u ah dabeecado haddii aan la xakameyn noqon kara kuwo qofku la qabsado oo saameyn ku yeesha. Weligaa telefoonkaaga maka maqnaatay muddo 24 saacadood ah? Ma dareentay inaad tabeyso wax ka maqan noloshaada? Marka waxaa jira dad aan howlahooda kale qabsan karin ilaa ay telefoonnadooda gacantooda ku jiraan. Waxaa sidoo kale jira kiisas badan oo ku saabsan caruur guriga jooga oo aan wax daryeel ah ka helin waaliddiintooda oo kaga mashquulay telefoonnadooda isla markaana gabay inay xitaa waqti ay ku dhegeystaan amaba kula cayaaraan siiyaan caruurtooda. Waad maqashay shilalka waddooyinka ay sababaan darawallo gaari kaxeynaya iyaga oo ku fooggam teleofonkooda. Waxaa jira xog fara badan oo ku saabsan tirada musiibooyinka ka dhashay shilalkaas oo kale. Waxaa jiray olole guud ahaan dunida laga waday gaar ahaanna ay booliisku hor kacayeen oo ku saabsan khatarta gaari wadidda iyo adeegsiga telefoonka. Waxaa sidoo kale jira kiisaska dad sameeya wax lagu tilmaamay 'khatar' oo xitaa u nugul adeegsiga telefoonka. Haddii aad isku aragto xaaladdan oo kale, waxaa lagugula talinayaa inaad iska fogeyso telefoonka ilaa aad gaarto heer aad isticmaali karto. Farriinta, wicitaanka, amaba xitaa muuqaalka ayaa u soo jeesan kartaa marka uu safarkaagu dhammaado amaba marka aad dareento inaad bad qabto. Marka haddii aad moodday in telefoonku uusan khatar kugu gelineyn sidan oo kale, farriintan ayaa kuu siin karta fursad aad dib ugu milicsato isticmaalka teleofonkaaga. Waxaad ka war heysaa dad si khaldan u isticmaala teleofonka si ay lacag ugu helaan. In muddo ah dadku waxay teleofonka u adeegsan jireen inay uga nabad galaan waxyaabaha xun iyo dembiyada. Dalka Kenya, tusaale ahaan, haweeney ayaa dembi ku jirta waxaana laga yaabaa in loo xiro lacag dhan 271,200 oo shilinka Kenya ah taas oo si khaldan loogu soo shubay akoonka telefoonkeeda gacanta. Elizabeth Karimi ayaa waxay warbaahinta gudaha tebisay in lacagta uu ku soo khalday qof si khaldan u qoray nambarka akoonka. Markii ay shirkaduhu isku dayeen inay dib u soo celiyaan lacagta, Karimi ayaa mar hore la baxday lacagta. Markii dambe kiiska waxaa loo geeyay booliiska waana la raadiya, waa la soo xiray maxkamad ayaana la soo taagay. Tani waxay kaaga digeysaa inaadan telefoonkaaga u adeegsan inaad dembi ku gasho haddii aad moodeyso inuusan sharcigu ku qaban. Haddii aad moodeyso inaad telefoon ka iibsan karto qof walba sababtoo ah waxaad ku heshay qiimo jaban, waxaad u baahan tahay inaad mar kale fekerto. Khatar sare ayaa ku jirta inaad telefoon ka iibsato qof walba. Waxaa jira dad loo xiray kiisas dembiyo oo khatar ah sida dil, iyagoo dadka ka iibiyay telefoonno dembiyo lagu galay. Qof ayaa qiimo jaban telefoon kaaga iibinaya balse waa mid la soo xaday kaas oo xitaa kuu horseedi kara qabrigaaga. Marka ay booliisku baaraan oo ay dabagalaan telefoonka, ayaad ka war heleysaa adiga oo warmoog ah, waxaa kale oo aad maxkamadaha ku arkeysaa dad isku heysta telefoonno qaab noocaas oo kale ah lagu kala iibsaday. https://www.bbc.com/somali/war-58423376 +health Jimicsiga: Farqi waqtiga ah miyaa u dhaxeeya ragga iyo haweenka? "Jimicsiga aroortii hore ayaa la sheegay inuu caafimaad u yahay haweenka doonaya inay is caateeyaan hoosna u dhigaan khatarta dhiigkarka. Sida laga soo xigtay daraasad lagu sameeyay gudaha Mareykanka, jimicsiga jireed ayaa u wanaagsan caafimaadkaaga iyadoo aan la eegeyn xilliga ka mid ah maalintii ee aad sameyso, balse waqtiga maalintii ee aad natiijo fiican ka keeni karto jimicsiga ayaa u kala duwan ragga iyo haweenka. Waxay daraasaddu sheegeysaa in haweenku ay baruur badan gubaan marka ay jimicsadaan subixii, halka ragguna ay miisaan badan iska ridaan marka ay jimicsi sameeyaan fiidkii. Daraasaddan ayaa lagu saleeyay rag iyo haween ka qeyb qaatay oo baaritaan lagu sameeyay, sida ay sheegeen baarayaasha sameeyay daraasadda. Farqiga hoormoonnada, jirka iyo xilliga hurdada ee haweenka iyo ragga ayaa dhammaanba door ku lahaan kara arrintan. Daraasadda, oo ay ka qeyb qaateen 30 rag ah iyo 26 haween ah - oo dhammaantoodba ah kuwo firfircoon oo caafimaadna qaba, da'dooduna u dhaxeyso 25 iyo 55 - ayaa socotay 12 toddobaad waxaana lagula socday saameynta noocyada jimcisiga kala duwan. Koox ka mid ah kuwa ka qeyb qaatay daraasadda ayaa jimicsi sameeyay muddo hal saac ah kahor 8:30 a.m., halka kuwa kalena ay isla jimicisgaas sameeyeen fiidkii, intii u dhaxeysay 6 p.m. iyo 8 p.m. Dhammaanba kooxahan ayaa raacay jadwal cunto gaar ah oo loo qoondeeyay. Baarayaasha ayaa tijaabiyay cadaadiska dhiigga ee qof walba iyo baruurta jirka intii ay daraasaddu socotay, iyo sidoo kale firfircoonidooda iyo awooddooda bilowgii iyo dhammaadkii daraasadda. Dhammaan dadka ka qeyb qaatay daraasadda ayaa waxaa soo hagaagay caafimaadkooda iyo firfircoonidooda intii ay socotay tijaabada 12-ka toddobaad, iyadoo aan la eegeyn waqtiyada ay sameeyeen jimicsiga. ""Waqtiga ugu habboon ee la jimicsado waa marka aad awooddo oo jadwalkaagana u suurto galeyso,"" ayuu yiri Dr. Paul Arcerio, oo ah hormuudka daraasadda isla markaana wax ka dhiga jaamacadda Skidmore College, New York. Balse wuxuu soo jeedinayaa inay jirto arrin kale oo ah in xilliga ugu fiican ee la jimicsado maalintii ay u kala duwan tahay haweenka iyo ragga. Marka la eego natiijada daraasadda, haweenka doonaya inay yareeyaan dhexda hoosna u dhigaan dhiigkarka ayaa looga baahan yahay inay jimicsi sameeyaan aroortii, sida uu sheegay Dr. Arcer Tani waa muhiim sababtoo ah baruurta dhexda ama caloosha ayaa ku wareegsan xubnaha jirka, oo uu ka mid yahay beerka, halis ayayna sababi kartaa. Si taa ka duwan, wuxuu sheegay in haweenka doonaya inay dhisaan murqaha iyo guud ahaanba caafimaadkooda ay jimicsi sameeyaan fiidkii. Ragga tijaabada ka qeyb qaatay ayaa inta badan uusan saameyn ku yeelan waqtiga jimicsiga, iyadoo caafimaadkooda iyo firfircoonidoodaba ay hagaageen aroortii iyo fiidkiiba. Balse jimicsiga fiidkii ayaa la sheegay ""inuu u wanaagsan yahay ragga doonaya inay wanaajiyaan caafimaadka wadnahooda, iyo sidoo kale xaaladdooda maskaxeed,"" sida uu sheegay Dr. Arcerio. Hagaajinta caafimaadka jirka waxaa ka mid ah yareynta khatarta xaaladaha sida cayilnaanta xad dhaafka ah, nooca labaad ee sokorta, cudurrada wadnaha iyo dhiig-furanka maskaxda. Ma cadda sababta saxda ah ee ay u kala duwan yihiin waqtiyada jimicsiga ee u habboon ragga iyo haweenka, baarayaasha ayaana sheegay in loo baahan yahay in wax intaa ka badan laga ogaado. Sida ay sheegeen baarayaasha, haweenka ayaa laga yaabaa inay baruur badan gubaan subixii sababtuna ay tahay in baruur badan ay ka saaran tahay caloosha. Daraasadda oo lagu daabacay wargeyska Frontiers in Physiology, ayaa waxaa lagu sameeyay dad miisaankoodu uu yahay mid fiican, balse baarayaasha ayaa sheegay in sidoo kale tijaabada lagu sameyn karo dadka aadka u cayilan. ""Waxaa laga yaabaa inay aad uga faa'iidaan,"" ayuu yiri Dr. Arcerio." https://www.bbc.com/somali/war-61694164 +politics Xog cusub oo laga ogaaday sababta ay dhallinyaradu ugu biiraan Al-Shabaab "Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sababta ugu weyn ee ay dadku ugu biiraan kooxaha xagjirka ah ee ka howl gala waddamada ka hooseeya saxaraha ee Afrika aysan ahayn arrin ku saabsan diin. Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in dadka ay qortaan kooxahaas ay ujeeddadooda ugu muhiimsan tahay si ay shaqo u helaan. Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay oo soo saaray warbixintan ayaa sameeyay ra’yi aruurin laga qaaday kumannaan qof oo ku kala nool siddeed dal oo ku yaalla Afrika. Waddamada daraasadda laga sameeyay waxaa ka mid ah Soomaaliya oo ay ka howl gasho kooxda Al-Shabaab, Mali oo ay Al-Qaacida ku leeyihiin saldhigyo iyo Nigeria oo ay ka shaqeyso kooxda Boko Haram. Boqolkiiba 17 ka mid ah dadkii la wareystay oo keliya ayaa sheegay in ay diin darteed ugu biireen kooxaha xagjirka ah, halka 40% ay sheegeen in faqriga uu yahay waxa ugu weyn ee ay rabeen in ay ka badbaadaan. Waxbarashada ayaa sidoo kale muhiim ah, iyadoo ay aad u yar tahay tirada dadka wax bartay ee ka mid noqda kooxaha ay ka mid tahay Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay. Sanadkii 2021, ku dhawaad kala bar ka mid ah dhimashooyinka lala xiriiriyo kooxaha argagixisada ayaa ka dhacay dalalka Afrika ee ka hooseeya saxaraha. Madaxa xafiiska Dambiyada iyo Daroogada ee Qaramada Midoobay Ghada Waly ayaa sheegtay in 2021-kii ay dalalka ka hooseeya saxaraha ee Afrika ku geeriyoodeen kalabar ka mid ah 3,500 qof oo ay dileen kooxaha argagixisada. Ms Waly ayaa shegetay in ay wanaagsan tahay in la ogaado sababaha ugu waaweyn ee horseeda ku biirista kooxaha xagjirka ah. Baaritaanno kale oo natiijadooda lagu soo bandhigay warbixinta ayaa lagu ogaaday in ilaha dhaqaalaha ee ay lacagaha ka helaan kooxaha jihaad doonka ah ee Afrika ay ka mid yihiin godadka laga qoto macdanta. Hase ahaatee dhinaca Soomaaliya waxay Qaramada Midoobay horay u sheegtay in dhaqaalaha ugu badane e soo gala Al-Shabaab uu yahay mid kasoo xarooda canshuuro ay ka qaadaan shacabka. Warbixintan ugu dambeysay ayaa soo baxday xilli uu bilihii lasoo dhaafay Soomaaliya ka socday dagaal ay dowladda ku sheegtay in lagu burburinayo Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay si xowli ah u wadday dagaal k adhan ah Al-Shabaab oo ay ka caawinayeen maleeshiyo deegaanno is abaabulay, halka dalalka saaxiibka la ahna ay ku taageerayeen ololahaas. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii dib loo soo doortay bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay dardar gelinayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in kooxdan ay ula tacaali doonaan siyaabo kala duwan. ""Ujeeddadeennu waa inaan Al-Shabaab ula dagaalanno qaab ku dhisan fikir Islaami ah, oo aan tusno dadka in ay dowladdu difaacayso diintooda. Tanina micnaheedu waa in la billaabo dagaal aan loo kala harin,"" ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/articles/cv20p38pny9o +politics Maxaad ka ogtahay Jerrold Post, ninkii darsi jiray maskaxda hogaamiyeyaasha caalamka? "Waa shakhsi bartay cilmu nafsiga, wuxuuna lasoo shaqeeyay hey'adda sirdoonka dibadda u qaabilsan dowladda Mareykanka ee CIA. Jerrold Post waxaa uu soo qabtay shaqo ay adkeyd inay qabtaan dad badan oo caalamka ku nool oo wuxuu ku hawlanaa sidii uu uu ogaan lahaa habka ay u fikiraan hogaamiyeyaasha caalamka qaar, dabeecadahooda iyo walibana hab dhaqankooda siyaasadeed. Wuxuu darsi jiray maskaxda iyo hab u fikirka hogaamiyeyaahsa caalamka sida Sadam Xuseen iyo Kim Jong-il. Sidoo kale waxaa uu wax ka qoray qaabka ay u shaqeyso maskaxda madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Jerrold Post oo horay u ahaa shakhsi ku takhasusay cilmu-nafsiga la xiriira siyaasiyiinta, ahna qoraa waxbadan ka qoray arrimahaas ayaa dhammaadka bishii tagtay ee Nofembar u geeriyooday feyraska corona, waxayna da'diisu aheyd 86 sano. Post oo dhashay sanadkii 1934, kuna dhashay magaalada New Haven waxaa uu kasoo baxay jamacadda Yale, halkaas oo uu ku bartay cilmu-nafsiga. Sidookale waxaa uu wax ka bartay mac-hadka caafimmaadka maskaxda qaabilsan ee jamaacadda Harvad, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad. Sida uu kusoo warramay wargeyska Washington Post, Post waxaa uu muddo dhan 20 sano lasoo shaqeeyay hey'adda sirdoonka dibadda ee Mareykanka ee CIA, waxaana intii uu la shaqeynayay hey'addaas uu sanadkii 1970 hirgeliyay xarun lagu darso hab u fikirka hogaamiyeyaasha caalamka iyo dabeecadahooda gaarka ah. ""Waxaanu qiimeynaa oo aanu taxliilinaa hogaamiyeyaasha caalamka dhaqamdooda siyaasadeed iyo sida ay u dhaqmaan marka ay joogaan fagaarayaasha caalamka,""ayuu hadda kahor yiri Jerrold Post. Xaruntan katirsaneyd hey'adda sirdoonka ee CIA ee uu hogaaminayay Post ayaa hogaamiyeyaasha ay darseen maskaxdooda iyo hab u fikirkooda waxaa kamid ahaa hogaamiyihii Libya, Mucamar Al Qadaafi, kii Cub, Fidel Castro iyo madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Hussein. Sababta arrintan loo sameeyay ayaa lagu sheegay inay aheyd sidii madaxweynaha Mareykanka uu u fahmi lahaa habka uu u fekerayo hogaamiyeyashaasi kahor inta uusan wajihin. Waxaa kale oo sababta lagu sheegay inay ka caawiso madaxda Mareykanka inay fahmaan qofka ay la xaajoonayaan iyo halka uu ka duulayo maadaam lasii qiimeeyay habka ay u fikirayaan iyo sida ay u dhaqmi doonaan. Magnus Ranstorp oo ah la-taliyaha gaarka ah ee midwoga Yurub u qaabilsan wacyigelinta xaqjirnimda ayaa Post ku tilmaamay ""nin degan oo leh maskax caqli badan"". Nin ay saaxiibo ahaayeen Post oo lagu magacaabo Kenneth Dekleva ayaa sheegay in saaxiibkii ""uu ahaa nin qiima badan oo ku jiray saaxadda siyaasadeed, kana soo shaqeeyay in lasii ogaado hab u fikirka qaar kamid ah hogaamiyeyaasha caalamka"". Jessica Case, oo isna kamid ah dadka wax ka qora arrimaha cilmu-nafsiga waxaa uu BBC-da u sheegay in aqoonta iyo heerka ay gaarsiisaneyd taxliilintiisa maskaxda siyasiyiinta ee Post ay aheyd mid heer sare ah. Post waxaa sanadkii 1979 lagu abaalmariyay billadda caaqilka, waxaana xilligaas uu agaasime ka noqday jaamacadda George Washington qeybteeda qaabilsan cilmu-nafsiga la xiriira siyaasadda. Haseyeeshee markii dambe waxaa markale u yeeratay dowladda Mareykanka, si uu uga caawiyo go'aanadii ay ka qaadnayeen madaxweynihii hore ee Ciraaq, Sadam Xussen. Jerrold ayaa aad u xanuunsaday sanadihii dambe, waxaana bishii July ee sanadkan ku dhacay xanuunka faaligga ama strok,sidoo kale waxaa laga helay feyraska corona oo la aaminsan yahay in uu u dhintay." https://www.bbc.com/somali/war-55205052 +health Farxalo lix jeer maalintii: Talo kuu horseedi karta inuusan kugu dhicin cudurka corona "Inaad gacmahaaga dhaqdid ugu yaraan 6 ilaa 10 jeer maalintii waxay suurtagal ka dhigi kartaa inaysan kugu dhicin cudrrada la kala qaado ee uu ka mid yahay coronavirus, sida lagu sheegay daraasad ay soo saareen cilmibaareyaal u dhashay UK. Waxaa daraasaddaas lagu eegay xog la soo saaray intii u dhaxeysay sannadihii 2006 ilaa 2009, oo ku saabsaneyd fayrasyo la isqaadsiiyo ah oo aad ugu dabeecad dhowaa xanuunkan safmarka ah ee hadda ku wareegaya caalamka. Fayrasyada ka dhasha corona waa qoys cudurro ah oo inta badan sababa xanuun aan aad usii darneyn, oo la mid ah sida hargabka la wada yaqaanno. Dhammaantood, oo uu xitaa ku jiro safmarka corona ee hadda socda, waxaa lagu dili karaa saabuun iyo biyo. Sannad kasta xilligiisa qaboobaha, golaha cilmi baarista caafimaadka waxay dadka ku nool England weydiiyaan inay isku arkeen calaamado u eg hargabka oo neefsashada ku adkeeya, waxayna tijaabiyaan dadka ay ku dhaceen xanuunnada sahlan ee hoostaga coronavirus. Daraasadda oo lagu daabacay bogga cilmi baarista ayaa lagu ogaaday in 1,663 qof oo ka qeyb qaatay ay muujiyeen inay yartahay fursadda uu ugu dhici karo cudurka haddii ay gacmahooda dhaqaan ugu yaraan 6 jeer maalintii. Hase ahaatee, in gacmaha la dhaqdo wax ka badan 10 jeer maalintii uma muuqato inay sii yareyneyso fursadda uu kugu haleeli karo coronavirus. Dr Sarah Beale, oo ka mid ah khubarada wax ka qoray daraasadda, kana tirsan Jaamacadda London, ayaa tiri: ""Nadaafadda gacmaha oo wanaagsan waa in lagu dadaalo waqti kasta, haddii ay calaamadaha cudurka kaa muuqdaan iyo haddii kaleba. ""Arrintaas waxay kaa caawineysaa inaad naftaada ilaaliso iskana jirto fayraska wareegaya ee ay qabaan qaar ka mid ah dadka kugu hareereysan."" Sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka dadweynaha ee England ayaa yiri: ""In si joogto ah gacmaha loo dhaqdo ugu yaraan 20 ilbiriqsi, waxay ka mid tahay tallaabooyinka ugu waaweyn ee lagu joojiyo faafitaanka coronavirus, gaar ahaan marka aad wasakh ka saarto sankaaga, hindhisto ama qufacdo, iyo waliba ka hor inta aadan wax cunin ama raashin karinin. ""Sidoo kale, way habboon tahay inaad gacmo dhaqashada dabeecad ka dhigato kaddib marka aad kasoo laabato meelaha ay dadka ku badan yihiin ama aad raacdo gaadiidka dadweynaha.""" https://www.bbc.com/somali/war-52770116 +health Sharoobooyinka qufaca ee dilaaga ah: Maxaa looga cabsadaa dawooyinka lagu soo sameeyo Hindiya? Horraantii bishan, Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa soo saartay digniin caalami ah oo ku saabsan afar sharoobbooyinka qufaca ah oo lagu soo farsameeyay dalka Hindiya. Waxaa lala xiriiriyay dhimashada 66 carruur ah oo ka dhacday dalka Gambia. Tijaabooyin la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dawooyinkaas ay ku jiraan maaddooyin waxyeello u gaysan kara bani’aadamka. Dawooyinkaas dhimashada sababay ayaa keenay in adduunyadu ay mar kale ka fikirto Hindiya, halkaas oo warshadaha ugu waaweyn ee dawooyinka soo saara ay ku yaallaan. Warshadaha dawada farsameeya ee dunida waxay ka macaashaan 42 bilyan oo doollar, lacagtaas oo kala bar laga helo dhoofinta dawada. WHO waxay qiyaastay in lacagta laga helo dawada been-abuurka ah ee tayada xun ay gaarayso 30 bilyan oo doollar. Dalka Hindiya wuxuu dawadiisa u suuqgeeyaa waddamada adduunka oo dhan, waana taas tan cabsida ugu badan keentay, gaar ahaan dalalka Afrika. ‘Hindiya waa farmashiya adduunka’ Marka laga yimaado Mareykanka, Hindiya ayaa ah dalka leh warshadaha dawada ee ugu badan adduunka, kuwaas oo tiro ahaan lagu qiyaasay 800. Raysul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi ayaa hadda ka hor laga hayaa in dalkiisu uu yahay ‘farmashiyaha adduunka’. Marka la eego caddadka dawada ee uu dalkaas soo saaro, shaki-la’aan sidaas waa lagu tilmaami karaa. Waayo-aragnimada soo-jireenka ah ee ay Hindiya u leedahay soo-saarista dawooyinka ka hortaga cudurka retroviral ayaa ka caawisay sameynta dawo qiimo jaban iyo inay saldhig u noqoto wax-soo-saarka dawada ee adduunka. Dalal badan oo Afrika ku yaalla ayaa malaayiin doollar dawo uga soo dhoofsada Hindiya oo ku yaalla qaaradda Aasiya. Si kastaba ha ahaatee, dalal badan ayaa leh hay’ado tayo-dhowrka dawada u xilsaaran, kuwaas oo muwaadiniintooda ka ilaaliya isticmaalka dawo wax u dhimeysa caafimaadkooda. Maxay dalalku u cabsanayaan? Warshadaha dawada ee Hindiya waxay sanad kasta kobcayeen 9% ku dhowaad toban sano, hase yeeshee waxay wajahayeen eedeymo ku saabsan tayo-xumo iyo habacsanaan. Dad badan ayaa aaminsan in Hindiya ay mar kasta dhibaato ku qabtay qulqulka dawooyinka been-abuurka ah oo lagu iibiyo magaalooyinka yaryar iyo tuulooyinka. Hase yeeshee, falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in dhaqaatiirta iyo bukaannada ay u badan tahay inay ku jahawareereen dawooyinka aan tayada lahayn iyo kuwa ay u maleynayaan dawooyin been-abuur ah. Shaybaarrada dowladda ee ka shaqeeya tijaabinta iyo baarista dawada ee gobollo badan ayaan dhaqaale haysan, ama shaqaale-yari wajahaya iyo qalab-xumo. Diiwaanka rasmiga ah ee dowladda ayaa muujinaya in intii u dhaxaysay 2007 iyo 2020, ay in ka badan 7,500 oo ah dawooyin lagu tijaabiyay saddex ka tirsan 28-ka gobol ee Hindiya ay ka gudbi waayeen tijaabooyin tayo-dhowr oo la mariyay, waxayna ka hooseeyeen heerka loo baahan yahay. Waxaa arrintaas lagu ogaaday cilmi-baaris uu sameeyay Dinesh Thakur, oo horay madax uga ahaan jiray waaxda dawooyinka ee Hindiya, haddana ah khabiir caafimaadka bulshada ah. Sanadkii 2019, carruur gaaraysa 11 oo ay da’doodu u dhaxeyso labo bil ilaa lix sano ayaa siyaabo la garan waayay ugu dhintay gobolka Jammu ee Hindiya. Carruurta oo la dhibtoonayay qufac iyo qabow ayuu dhaqtar u sheegay inay isticmaalaan dawada qufaca. Beddelkii ay soo-kabasho sameyn lahaayeen, mar kale ayay xanuusadeen, qufac, matag, qandho daran iyo kelyaha oo shaqadii gabay ayaa isugu darmay. Dalalka Afrika oo aan lahayn warshado ku filan wax-soo-saarka dawada loo baahan yahay ayaa ku tiirsan kuwa dibadda looga keeno. Su’aashu waxay tahay goormee ayay u suurtageli doontaa inay soo saaraan dawooyin u gaar ah oo ay uga hor tagaan cabsida la xiriirta dawooyinka qaldan ama tayada-xun ee dibadda laga keeno? https://www.bbc.com/somali/articles/czrnk34zvjro +health Mataano ka dhashay shahwo la keydiyay 30 sano kahor "Mataano ayaa ku dhashay gobolka Tennessee, kuwaas oo ka dhashay ugxanta haweeney iyo manida ninkeeda oo lagu qaboojiyay baraf in ka badan 30 sano. Marka la isku daro manida iyo ugxanta ayaa waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa (embryo). Waxaa kaddib lagu keydiyaa sheybaar in muddo ah illaa ay ka gaarto heer lagu beeri karo minka haweeney. Waxaa la rumeysan yahay in tani ay rikoor cusub u tahay muddada ugu dheer ee ugxanta la keydiyo kaddibna ay ka dhashaan carruur. Waxaa lagu qbaoojiyay maaddada nitrogen oo dareere ah, heerkul gaaraya ilaa -128C (-200F) 22-kii April 1992. Rachel Ridgeway, oo ah hooyo afar carruur ah heysata kana soo jeedda gobolka Oregon ee dalka Mareykanka, ayaa mataanahan dhashay 31-kii October. Aabbahood, Philip Ridgeway, ayaa sheegay in arrintan ay tahay ""mid ahsqaraar ah "". Lydia Ann iyo Timothy Ronald Ridgeway ayaa rikoor cusub dhigay, sida laga soo xigtay Xarunta Qaranka ee Ku Deeqidda Ugxanta (NEDC), oo ah urur diimeed si gaar ah loo leeyahay oo sheegay in taasi ay gacan ka geysatay dhalashada 1,200 oo carruur ah oo ka dhashay embryo la qaboojiyay. Waxaa hore rikoorka u heysatay Molly Gibson, oo sanadkii 2020 ka dhalatay embryo la qaboojiyay 27 sano kahor. ""Go’aanka ... lagu qaadanayo embryo-ha waa inay u xaqiijisaa bukaannada ka walaacsan inuu jiro qof doonaya mid la keydiyay 5, 10, 20 sano kahor,"" ayuu yiri Dr. John David Gordon, oo ah qofka embryo-ha ku tallaalay hooyada dhashay mataanaha. Embryo-ha mataanaha ayaa waxaa ku deeqay lammaane aan la aqoon iyadoo la adeegsanayo teknoljiyadda  IVF. Ninka ayaa ku jiray da'da 50-meeyada, waxayna lammaanahan adeegsadeen ugxanta haweeney 34 jir ahayd. Ugxanta iyo manida laga qaaday ayaa lagu keydiyay sheybaar ku yaalla xeebta galbeed ee Mareykanka ilaa sanadkii 2007 markii lammaanaha ay ugu deeqeen shirkadda NEDC ee Knoxville, Tennessee si ay lammaanayaasha kale u isticmaalaan. Dhaqtar ku takhasusay ugxanta oo ka tirsan xarunta dhalmada ayaa markii dambe embryo-ha ku beeray minka haweeneyda dhashay mataanahan. War ay soo saartay NEDC ayaa waxay ku sheegtay inay rajeyneyso in warbixintan ay ""dhiirrigelin u tahay dadka kale si ay qudhooda u tijaabiyaan ugxanta"". Waa carruurtii ugu horreysay ee ka tirsan qoyska Ridgeway – kuwaasoo ku dhashay hannaanka IVF. Qoyska ayaa waxay leeyihiin afar kale oo carruur ah oo da’doodu ay u dhaxeyso hal jir ilaa siddeed jir. ""Waxaan ahaa shan jir markii Alle uu suurtogeliyay dhalashada Lydia iyo Timothy, isaga ayaana intaa kaddib noloshooda daryeelayay,"" ayuu Philip Ridgeway u sheegay telefishinka CNN. ""Runta ayaa waxay tahay, inay yihiin carruurteenna ugu waaweyn, inkastoo ay yihiin carruruteenna ugu yar yar."" ""Wax lala yaabo ayay maskaxda ku tahay."" Ayuu intaas ku daray. Muhiimadda ay leedahay Dr Cabdulqaadir Wehliye Faarax oo ah la la taliyaha wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ee arrimaha caafimaadka taranka ayaa BBC-da u sheegay in hannaankan uu ahmiyad weyn leeyahay, marka la eego dhibaatada dhanka dhalmada ee ka jirta qeybo ka mid ah adduunka. “Waxaa jira lammaane aan fursad u helin inay carruur helaan, kuwaasoo u baahan inay raadsadaan xarumaha dhalmada, taas darteed ayay ahmiyad weyn ugu leedahay qoysaska is qaba inay helaan ubad,” ayuu yiri. Ugxanta laga soo qaado haweeneyda iyo manida ninka ayaa la isku daraa kuwaasoo lagu keydiyo sheybaar kahor intaan lagu beerin minka haweeney. “Ubadka marka uu beermo waxaa la sugaa ilaa saddex maalmood oo kale, oo lagu sameeyo sheybaarka. Marka ay gaaraan marxalad gaar ah markaas waxaa loo baahdaa minkii lagu beeri lahaa,” ayuu intaa raaciyay. Diinta Islaamka maxay ka qabtaa arrintan? Dr Cabdulqaadir ayaa sheegay in guud ahaan ay diintu banneysay hannaankan, lagana isticmaalo xarumaha taranka ee dunida Islaamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay, balse ay jirto shuruud arrintaas ku xiran. “Fatwada culimadu ay sameeyeen guud ahaan way oggoshahay, laaaiin waxaa shardi ah in ugxanta iyo minka ay ka yimaadaan labo qof oo isku qaba shareecada Islaamka, taas micnaheedu waa in manida ninka aan lagu beeri karin ugaxanta haweeney uusan qabin.” Ayuu yiri Dr. Cabdulqaadir." https://www.bbc.com/somali/articles/cy9kl1k4ypwo +politics Doorashada Mareykanka: Shirkadda Twitter oo qarisay qoraal uu barta soo dhigay Trump oo ku saabsan codeynta "Shirkadda Twitter ayaa qarisay qoraal uu madaxweyne Trump soo dhigay bartaas oo uu kaga hadlayay codeynta doorashada. Trump ayaa go'aanka kasoo baxay maxkamadda sare ku tilmaamay 'Mid aad halis u ah' kaddib markii maxkamadda ay soo saartay in wakhti dheeraad ah loogu daro muddada loogu talagalay in gobolka Pennsylvania ay ku gaaraan warqadaha codeynta ee boostada. Wuxuu intaas ku daray 'Wax isdaba marin baahsan oo aan la eegin"" ay kusii xigi doonaan. Shirkadda waxay digniin u dirtay madaxweynaha isla markaana ku tilmaantay qoraalka ""Mid khilaaf abuurayo oo laga yaabo in uu marin habaabin yahay"" Shirkaddan waxay horraan qaaday tallaabooyin noocan oo ka dhan ah bogga Trump. Trump wuxuu ku andacooday in go'aanka maxkamadda uu horseedayo in qalalaase ay ka dhacaan waddooyinka ayn tahay ""in wax laga qabto"" Shirkadda Facebook ma aysan qarin qoraalka Trump waxay ka bixisay digniin ah ""Labada hanaan ee kala ah codeynta qofka ama midka boostada waa kuwa taariikhi ah oo laisku haleyn karo gudaha Mareykanka, waxaana dhif iyo naadir ah in wax laisku daba mariyo guud ahaan qaababkaas"" Biden maka guuleysan karaa Trump? Sucuudigu ma in Trump doorashada ku guulaysto ayuu doonayaa? Ninka sida weyn uu loolanka ugala dhexeeyo Joe Biden ayaa shacabka ugu baaqay inay codeyaan, wuxuuna weerar afka ah ku qaaday Trump. In badan oo kamid ah shacabka Mareykanka wey codeeyeen halka dad badan ay ku codeeyeen qaabka boostada. Mareykanka waxaa ka taagnaa walaac ka dhashay in dhammaan warqadaha codeynta aysan wakhtigii la rabay gaari doonin xarumaha lagu tirinayo codadka. Maxkamadda sare ayaa dhawaan meesha ka saartay go'aan la doonayay in lagu hor istaago in muddada lagu kordhiyo xilligga loogu talagalay in warqadaha codeynta dhinaca boostada ay ku gaaraan gobolka Pennsylvania. Madaxweyne Trump ayaa marar badan cambaareeyay nidaamka lagu codeynayo boostada oo uu sheegay inay wax lais daba marin karo." https://www.bbc.com/somali/war-54800713 +health Maxaa ka dhalan kara marka hilibka cas aad loo cuno? "Souleymane Sy wuxuu ahaan jiray shaqaale dowladeed, waxaa ku dhacay cudur la yiraahdo Gout kadib markii uu aad u cunay hilibka cas. Waa cudur horseeda in aashatada Uric ay ku badato dhiigga banii'aadanka taas oo keenta in maddada Purine ay gasho jirka. Maddada Purine waxay ku badan tahay cuntooyin uu kamid yahay hilibka cas. Souleymane Sy wuxuu inta badan cuni jiray hilibka cas haatan waxaa gacantiisa ka muuqdaa barar isla markaana wey biyo gashatay. ""Waxaan aad u badsaday hilibka cas, markasta oo aan shaqada ku jiray waxaan cuni jiray hilibka cas, waxaan tegi jiray kawaanka si aan uga soo iibsado kiilo hilibka cas ah, marka si aad ah ayaan u cuni jiray hilibka cas, haatan waxaan dareemay dhibaatadiisa"" Mararka waxay ka shaleyn jiray in si aad ah aan u cuni jiray hilibka cas balse waxaa adag inuu iska joojiyo maadama dalka Niger si weyn looga isticmaalo hilibka cas gaar ahaan nooc dalkaas looga yaqaano Kilishi. Dr Alassane Amadou Seydou, Nigerien oo ka howlgala dalka Nigeria ayaa sheegaya in maddada Purine ee laga hela hilibka lala xiriiriyay cudurro kale. Shanta cunto ee mustaqbalka Sonkorta marka la joojiyo maskaxda maxaa ku dhacaya? Hide-sidaha ka maqan bani’aadanka ee ka difaaci lahaa wadna xanuunka ""Waxaa ka dhashaa cudurro kale sida xanuunada ku dhaca dhiigga, kansarka dhiigga"" Wuxuu intaa ku daray in xanuunka haya ninkan sidoo kale lala xiriiriyay qaadashada badan ee dawooyinka sida kuwa lagu daweeyo qaaxada ama wadnaha. Souleymane wuxuu la daalaa dhacaya xanuunka uu kala kulmaya gacanta barartay xitaa uu habeenkii ka seexan la'yahay. Xanuunka Gout ragga kaliya ah kuma dhaca balse wuxuu sidoo kale ku dhacaa dumarka, waana mid si weyn u saameya xubnaha laabma ee jirka banii'aadanka sida jilbaha iyo gacmaha. Xanuunka Gout wuxuu si weyn u saameeyay Souleymane, wuxuu iska iibiyay hantidiisa oo idil si uu caafimaad u helo. Dr Alassane Amadou Seydou wuxuu leeyahay xanuunka Gout waa mid la daweyn karo balse waa in qofka uu si weyn uga taxaddaraa cuntada uu qaadanayo iyo in si joogta uu adeegsado dawooyinka la siiyo. ""Halkan Niger, dadka uu ku dhaca Gout waxaan kula talinaa inay iska dhaafaan cunidda hilibka cas iyo nooca hilibka caanka ka ah halkan ee la yiraahdo Kilishi si jirka banii'aadanka looga ilaaliyo in uu ku bato aashatada Uric"" ""Waxaan dadka kula talinnaa inay badsadaan isticmaalka qudaarta iyo miraha"" ayuu yiri Dr Alassane Amadou Seydou." https://www.bbc.com/somali/58872799 +politics Dhageyso: Tarzan oo ka jawaabay eedeynta ah in baaritaan sir ah ay sameynayeen Tarzan oo ka jawaabay eedeynta ah in baaritaan sir ah ay sameynayeen ayaa sheegay in warkaas uusan sal lahayn, beenna yahay. https://www.bbc.com/somali/52719468 +politics "Kenya: ""Ma qorsheyneyno inaan Hargeysa safaarad ka furanno""" Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ee Kenya Dr Alfred Mutua ayaa sheegay in dalkiisu uusan qorsheyneyn inuu safaarad ka furto Somaliland. “Waxaan rabaa inaan caddeeyo in Kenya aysan qorshaha ugu jirin inay safaarad ka sameysato Hargeysa, sida lagu sheegay baraha bulshada qaarkood iyo kuwa si khaldan u sheegayba,” ayuu yiri Dr Alfred Mutua. Wuxuuna intaa raaciyey Kenya iney safaarad ku leedahay magaalada Muqdisho, siyaasadda saxda ee Kenyana ay tahay iney ilaaliso xidhiidhka walaaltinnimo ee labada dal. Hadalka Mutua ka soo yeeray ayaa ku soo beegmaya xilli la baahiyey war sheegaya iney Kenya safaarad rasmi ah ay ka furaneyso magaalooyin ay ka mid tahay Hargeysa. Amar madaxweyne oo 9-ka bishan January ka soo baxay madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa lagu sheegay in Kenya ay safaarad iyo qunsuliyado ka furaneyso lix waddan, taasi oo qeyb ka ah iskuday lagu ballaarinayo xiriirka howlgallada diblumaasiyadeed ee ay Kenya la leedahay caalamka intiisa kale. Amarkan, oo uu tirgiisu yahay Executive Order No.1 of 2023, ayaa lagu sheegay safaarado ama qunsuliyado inuu dalka Kenya ka furanayo magaalooyinka Djibouti, Bern, Arusha, Goma, Jakarta iyo Hargeysa. Safaaradaha Jabuuti, Jakarta (Indonesia), iyo Hargeysa ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyey sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda. Lixda safaaradood ama qunsuliyadood ee cusub oo ay Kenya waddamadaasi ka furaneyso ayaa 66 gaarsiinaya tirada waddamada ay Kenya safaaradaha ku leedahay. Xiriika diblumaasiyadeed oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa intii uu xilka hayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi farmaajo. Kenya oo khilaaf uu kala dhaxeeyey maamulkii madaxweyne Farmaajo, ayaa 7-dii September 2021-kii waxay Jamhuuriyadda Iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland u magacaawday xafiis xiriiriya labada dhinac. Inkasta oo xiriirka Somaaliya iyo Kenya uu soo hagaagay tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintan ay dowladda Kenya ka dhawaajisay, wasiirka arrimaha dibadda Kenyana si kale uu u dhigay ee ah iney safaarad ama qunsuliyad ka furaneyso Hargeysa. Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa marar badan isku khilaafay xiriirka ay dowladda Kenya la yeelaneyso Somaliland iyada oo aan dowladda Federaalka u soo marin. Waxaana xusid mudan bishii June 2022-kii Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirrada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga carooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga bedelo, kadibna danjiraha shirka ayuu kasoo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay. Somaliland ayaa wakiil ku leh Nairobi, Kenyana marar badan waxay sheegtay iney Somaliland tahay gobol ka tirsan Soomaaliya. Balse sanadihii u dambeeyey ayay Nairobi sare u qaadday xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay Somaliland. https://www.bbc.com/somali/articles/c90kwz1pv20o +entertainment Maxaad ka faa'idi kartaa qof aadan aqoon? Inta badan dadka waxay maalin kasta la kulmaan dad aysan garaneynin, gaar ahaan marka ay joogaan goobaha baabuurta laga raaco, goobaha lagu qaxweeyo ama xarumaha laga dukaameysto. Dadka intooda badan waxay rumeysan yihiin in haddii ay la hadlaan qof aysan aqoon ay dhibaato kala kulmi karaan ama ay wax kale dareemaan, marka qof kasta waxaa uu noqonayaa mid dadka kale iska soocay. Waa fikrad aan macquul aheyn, balse daraasad aanu sameynay ayaa muujineysa in dadka ay dhayalsadaan fa'iidooyinka laga dhaxli karo in aad la xiriirtid qof aadan garaneyn. Tusaale ahaan, marka aad shaqo u socotid haddii aad la hadasho qof aadan aqoon waxaad labadiinnuba dareemeysaan farxad, adiga oo markaas filaneysay waxyaabo kale. Daraasad ay BBC-da ka sameysay goobaha baabuurta laga raaco ee magaalada Chicago ee dalka Mareykanka ayaa waxay muujineysaa in boqolkiiba 40 kamid ah dadkaas ay ku rajo weyn yihiin inay la hadlaan dadka aysan aqoon ee rakaabka ah. Qof kasta oo ka qeyb qaatay daraasadda ayaa horay isugu dayay inay si farxad leh ay ula sheeeysteen qof aysan aqoon xilli ay baabuur isla saarnaayeen. Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka rakaabka ah ee sheekada u billaabay dadka aysan gareyn ay si weyn u jecleysteen tallaabadaas. Dadka intooda badan ma jecelo hadal aan ulajeeddo laheyn balse in yar oo kamid ah ayaa soo dhaweeya hadallada ujeeddada wata marka ay la hadlayaan qof aysan aqoon. Waxay arrintani u horseeddaa qofka inuu ku dhasho dareen dhowr nooc ah oo saameyn ku reebi kara noloshiisa. La hadalka qof aadan gareyn waxay sababi kartaa in laisku furfurnaado isla markaasna meesha ay ka baxdo aamuusnaanta iyo kalinimada. Banii'aadanka waxaa uu ku dhisan yahay furfurnaanta dhinaca bulshada, haddii uu dareemo cidlo waxaa ku dhici kara welwel saameyn karaya caafimaadkiisa. Xiriirka ka dhexeeya caafimaadka iyo furfurnaashaha bulshada ayaa ah mid saameyn ku leh nolosha qofka. Dhabtii daraasadaha la sameeyay waxay muujinayaan in dadka furfuran iyo dadka xir xiran haddii uu la hadlo qof aysan gareyn ay si wanaagsan ula dhaqmayaan. Si aad qofka u soo dhaweysid waa in aad salaantaa, dabeecadey rabaan hakuugu soo qaabilaane. Haddii aad mar kasta rumeysan tahay in la hadalka qof aadan aqoon aad dhibaato kala kulmi kartid, lagama yaabo in aad waligaa isku daydid oo aad iska bixisid firkraddaas, waxay arrintaas ku horseedeysaa in bulshada lagaa sooco ama lagu takooro. Daraasaddan masoo jeedineyso in aad la hadashid qof kasta oo aad aragtid balse waa in aad la hadashaa qof kasta oo kusoo dhaweeya. Waxay daraasaddan muujnineysaa in xiriirka labada qof ee aanan is aqoon uu horseedi karo farxad iyo xiriir wanaagsan. https://www.bbc.com/somali/war-48621955 +business Maxaad kala socotaa maalinta caalamiga ah ee ay kumannaan qof banaanada seexdaan? Kumannaan qof ayaa seexan doona banaanada taasi oo ah mid looga gol leeyahay in wacyiglin loogu sameeyo dadka darbi jiifka ah. Waxay arrintan tahay mid lagu doonayo in lacago loogu uruuriyo dadka guriya la'aanta ah ee darbiyada jiifa. Maalinta banaan seexashada ama dibad seexashada ayaa waxa laga xusayaa oo lagu qabanayaa 52 dal. Waxaa arrintan ka qey qaadan doona oo banaanada seexan doona in ka badan 50,000 oo qof guud ahaan caalamka. Josh Littlejohn oo ka mid dadka soo abaabulay ayaa sheegay in dhacdadani ay noqon doonto guushii ugu waynayd ee uu noolashiisa gaaro. Mr Littlejohn ayaa afar sano ka hor ka bilaabay maalinka dibad seexashada magaalada Edinburgh waxaana xilligaa ka qey galay 270 qof oo isugu soo baxay fagaaraha Charlotte. Ka dib markii saddex sano lagu qabanyay Scotland, ayaa sanadkan waxa ay noqotay mid caalamka oo dhn ah waxaan dibadaha seexan doona oo isugu soo bixi doono fagaaraha Times Square ee New York dad badan. Waxaa sidoo kale ka mid ah meelaha lagu wado in ay dadka isu soo baxaan magaalada New Delhi ee dalka Hindiya. U jeedada looga gol leeyahay maalinka dibad seexashada ayaa ah in lacago loogu uruuriyo dadka guriya la'aanta ah. Waxaa sidoo kale lagu cadaadinayaa dowladaha in ay dadka darbi jiifka ah ka caawiyaan sidii ay guriyo u heli lahaayeen. Waxaa lagu qiyaas guud ahaan caalamka in ay guriya la'aan ku yihiin dad gaaraya 100 milyan oo qof. Mr Littlejohn, ayaa waxaa uu sheegay in lacagihii sanadihii hore la uruuriyay loogu dhisay dadka guriya la'aanta ah guriya ay tiradoodu dhan tahay 831 guud ahaan Scotland. https://www.bbc.com/somali/war-50690942 +politics "Afrika iyo Shiinaha: Maxay Afrika ugu taageertay Shiinaha ""xasuuqa Muslimiinta"" lagu hayo?" "Waddamada Afrika kuma jiraan kuwa ka qeylinaya sida uu Shiinaha ula dhaqmo qowmiyadda u badan Muslimiinta ee Uyghur ee ku nool gobolka waqooyiga-galbeed dalkaas ee Xinjiang. Waxaaba jirtay in qaar ka mid ah diblomaasiyiinta reer Afrika ay dhawaan ka qeyb galeen shir ka dhacay Beijing oo ay Shiinaha ku bogaadiyeen siyaasaddiisa ku aaddan gobolkaas. Ugu yaraan hal milyan oo bulshada qowmiyadda Uyghurs ka tirsan ayaa la aaminsan yahay in lagu xiray gobolka Xinjiang, iyagoo lagu hayo xeryo aan sharci ku dhisneyn oo aad loo ballaariyay. Shiinaha ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan in dadkaas loo geysto tacaddiyo isugu jira in lagu khasbo shaqo, in loo adeegsado howlo caafimaad oo ay dowladda kula dagaallameyso bakteeriyada, in jir dil loo geysto iyo in la xasuuqo - eedeymayaas oo dhammaantood ay xukuumadda Beijing beenisay. Dowladda Shiinaha waxay difaacday xeryaha lagu xiray dadka, iyadoo sheegtay in ay yihiin kuwo ku meel gaar ah ""oo wax lagu barto"" si looga hortago falalka argagixisanimada iyo xagjirnimada dhinaca diinta. ""Ficillada ay qaar ka mid ah awoodaha reer Galbeedka ku buunbuuninayaan waxa loogu xeero arrimaha la xiriira gobolka Xinjiang waa weerarro aan toos ahayn oo loo geysanayo Shiinaha si ay ugu adeegaan danahooda gaarka ah,"" ayuu yidhi Adama Compaoré oo ah safiirka Burkina Faso u fadhiya Shiinaha, mar uu ka hadlayay shirka bishii March dhacay ee ay danjireyaasha Afrika taageerada ugu muujiyeen Shiinaha. Kulankaas waxaa sidoo kale ka qeyb galay Suudaan iyo Congo Brazzaville, oo danjiradeeha Daniel Owassa lasoo tabiyay inuu sheegay inuu taageersan yahay waxa ay Shiinaha ku tilmaameen dadaallada isdaba joogga ah ee gobolkaas looga sifeynayo argagixisada. Wuxuu sheegay in uu bogaadinayo horumarka uu gobolka Xinjiang gaaray sannadihii ugu dambeeyay. Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa sheegtay in shirkaas uu tusaale u ahaa sida ay Afrika uga aamusto arrimo waaweyn oo ka jira caalamka. ""Waxaa laga yaabaa inuu ahaa mid ka mid ah howlaha caadiga ah ee diblomaasiyadda, laakiin sida ay dowladaha Afrika wali u doonayaan inay ka aamusaan ficillada Beijing ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha waa caqabad dhab ah oo heysata caalamka,"" ayay tidhi Carine Kaneza Nantulya, oo ah agaasimaha HRW ee Africa. ""Afrikaanku waxay mar walba si ay gar u leeyihiin in waddamada kale ay khilaafkooda ku soo lifaaqaan, waxayna raadiyaan in caalamku uu naxariis ugu muujiyo dhibaatooyinka dhinaca xuquuqda aadanaha,"" ayay sii raacisay. Laakiin Ejeviome Otobo, oo xubin aan rasmi ahayn ka ah xarunta maamulka Hay'adda ee Brussels, ayaa sheegay in madaxda Afrika iyo Shiinaha ay isku fahansan yihiin saddex arrimood oo kala ah: Xuquuqda Aadanaha, danaha dhaqaalaha iyo inaan la faragalinin arrimaha gudaha. Waxaa qaaradda aad ugu soo badanaya fikirrada taageersan Shiinaha ee kasoo hor jeeda dalalka reer Galbeedka marka ay timaado arrimaha xuquuqda aadanaha. Markii ay socotay codeyntii golaha Xuquuqda Aaadaha ee Qaramada Midoobay oo bishii June 2020 ka dhacday magaalada Geneva oo ku saabsaneyd sharciga lagu murmay ee Hong Kong, kaasoo ciqaabo adag ku soo rogay siyaasiyiinta, 25 waddan oo Afrikaan ah ayaa garab istaagay Shiinaha, tiradaasina waxay ahayd tii ugu badneyd ee hal qaarad kasoo jeedda. Dhowr bilood kaddib, bishii October ma jirin waddan Afrika ka tirsan oo ku biiray ololaha ka dhanka ahaa xad gudubyada Shiinaha ee gobolka Xinjiag, Hong Kong iyo Tibet, kaasoo ay ka mideysnaayeen dalalka reer Galbeedka. HRW ayaa hoggaamiyeyaasha Afrika ku eedeysay in ay danahooda dhaqaale ee ay ku heystaan Shiinaha ka door bidayaan arrimaha ku saabsan caalamka. Sidaasoo ay tahayna, Eric Olander oo ka mid ah aasaaseyaasha mashruuca Shiinaha ee Afrika, ayaa sheegay in go;aanka ay madaxda Afrika ku qaateen inaysan kasoo hor jeedsanin Shiinaha ""uu yahay mid ka weyn dano arrimo dibadeed oo diiradda la saarayo"". ""Waxa aysan dalalkan eedeynta wada fahamsaneyn waa in waddamadan saboolka ah ee qaarkood ay hadda soo korayaan uu Shiinaha ku leeyahay deymo faro badan. Ma joogaan boos ay go'aan uga gaari karaan meesha ay ku qanacsan yihiin, awoodna uma laha in ay Shiinaha ka careysiiyaan,"" ayuu yidhi isagoo la hadlayay BBC-da. Qodob kale oo weyn oo saameyn ku leh arrintan waa xiriirka tobannaanka sano soo jiray ee dhidibbada aastay 1970-kii markii ay dalalka Afrika door muhiim ah ka ciyaareen in uu Shiinaha dib ugu biiro Qaramada Midoobay xilli ay dowladda Mareykanka aad uga soo horjeedday tallaabadaas. ""Ilaa xilligaas xiriirka Shiinaha iyo Afrika wuu sii xoogeysanayay oo kaliya,"" ayuu yidhi Cliff Mboya, oo ah falanqeeye reer Kenya ah oo la hadlay BBC-da. ""Muddo 30 sano ah Shiinaha wuxuu dhaqan ka dhigtay in wasiirkiisa Arrimaha Dibadda uu sanad walba oo cusub marka ugu horreysa booqdo Afrika - taasi ma aha kaliya astaan balse waxay waddada u xaareysaa in ay maalgashi muddo dheer ah ku sameysteen qaaradda ayna soo jiiteen dareenka Afrika."" Jiilka cusub ee Afrika ama dadka dhalinyarada ah waxaa laga yaabaa in aysan jecleysanin siyaasadda Shiinaha - waxay si aad ah ula dhacsan yihiin aragtiyaha Mareykanka iyo horumarka uu sameynayo, sida lagu ogaaday daraasad dhawaan la sameeyay. Laakiin jiilka waayeelka ah iyo madaxda dowladaha ayaa qaba fikir ka duwan kaas - go'aankooda ku aaddan sidii ay Shiinaha uga dhigi lahaayeen il dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin, gaar ahaan 20-kii sano ee ugu dambeeyay - ayaa qaaradda u horseeday in loo dhiso waddooyin kharash badan ku baxay, buundooyin, jidad tareen, dekedo iyo qalabka internet-ka oo xaqiijiyay in qaaraddu aysan dib uga dhicin dunida tiknoolojiyadda. Qaar ka mid ah mashaariicdaas waxay qeyb ka yihiin dadaallada uu Shiinaha waddooyinka uga dhisayo 46 waddan oo ka tirsan Afrika, sida uu sheegay Mr Otobo. Tan iyo markii uu billowday cudurka safmarka ah, calanka Shiinaha wuxuu aad uga dhex muuqday garoomada diyaaradaha ee qaaradda waxaana si isdaba joog ah uga soo dagayay caawinaadda isugu jirta qalabka la isaga difaaco cudurka iyo sidoo kale tallaalka oo markii dambe kusoo biiray. Waxa uu Shiinaha ugu yeero diblomaasiyadda tallaalka ayaa ilaa hadda gaartay 13 waddan oo reer Afrika ah, kuwaasoo qaarkood iibsadeen kuwo kalena gargaar ahaan lagu siiyay. Marka la eego dhinaca kale, ma jirto caawinaad toos ah oo ay Afrika ka heshay UK ama Mareykanka, marka laga reebo mashruuca caalamiga ah ee tallaalka oo loo yaqaanno Covax - kaasoo sidoo kale uu taageero Shiinaha. Covax wuxuu ilaa hadda 18 milyan oo tallaal ah siiyay 41 waddan oo ka tirsan Afrika. Waddamada quwadaha leh ee Caalamka ayaa hadda ku tartamaya in ay dalalka saameyn ku yeeshaan iyagoo ka faa'iideysanaya baahida loo qabo tallaalka Covid-19. Bishii March, wasiirka arrimaha dibadda ee UK Dominic Raab ayaa ku boorriyay waddamada soo koraya in ay sugaan marxaladda ""heerka dahabiga ah"" ee tallaalka halkii ay qaadan lahaayeen tallaalka Shiinaha iyo Ruushka." https://www.bbc.com/somali/war-56971532 +politics Nairobi: Nin la sheegay inuu carruurta dhiiga ka dhuuqo ka hor inta uusan dilin oo lagu xiray Kenya "Booliska dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 20 sano jir lagu tuhunsanyahay inuu dilay ugu yaraan 10 carruur ah. Ninkan oo qirtay inuu falal iskugu jira kufsi iyo dil uu kula kacay ugu yaraan 10 carruur ah, ayaa magaciisa lagu sheegay Masten Milimu Wanjala. Wuxuu saraakiisha booliska u sheegay in meelo kala duwan uu geeyay meydadka dhibanayaashii uu dilay. Waaxda dambi baarista ayaa barta twitter-ka ku daabacday warbixin ku saabsan sheekada ninkan iyo sida uu u fulinayay dilalka lagu tilmaamay naxariis darrada ee carruurta. Qoraalka booliska ayaa lagu yiri: ""Dad-cunkn wuxuu waday dil joogto ah oo uu ku bartilmameedsanayay carruurta ay da'dooda u dhexeyso 12 iyo13 sano. Wuxuu masuul ka ahaa afduubyada magaalada ruxay dhowaanahan"". Waxay booliska sheegeen in uu khiyaani jiray carruurta inta uu la ciyaarayo. Booliska dembi-barista ah ee Kenya, ayaa sheegay in habka uu dilalka u sameyn jiray ninkan ay tahay mid naxdin leh. Wuxuu qirtay inuu ""ceenjinayay carruurta isaga oo isticmaalaya sun kiimiko ah, ka hor inta uusan dilin,"" sida ciidanka laga soo xigtay. Ninkan ayaa sidoo kale sheegay in ""dhiiga uu ka dhuuqi jiray carruurta"". ""Ninkan xun ee sida qarsoon dilaaga u ahaa, wuxuu laba wiil ka afduubtay Kitengela iyo Mlolongo. Wuxuu u dhigay shirqool dil, wuuna ceejiyay, ka dibna wuxuu maydkooda ku tuuray bullaacad. Weli maydadkooda lama helin"", ayey qoreen booliska baaraya dembiga ninkan ku eedeysan yahay. Maydadka laba ka mid ah dhibanayaashii uu dilay ayaa laga helay deegaanka Kabete, oo ku taala agagaarka magaalada Nairobi. Waxaa sidoo kale isla deegaankaas shalay laga soo helay mayd kale oo la sheegay in uu ka mid ahaa carruurtii uu dilay ninkan la tuhunsan yahay. ""Maydadka oo dhan way wada dhan yihiin; qaybna kama maqnayn balse maydadka wey qurmeen,"" Ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Nairobi, Augustine Nthumbi. Waalidiinta wiilasha maydadkooda la helay waxay booliska u sheegeen in la waayey saacado ka dib markii ay ka soo laabteen iskuulka. Mid ka mid ah waalidiinta wiilasha maydkooda la helay oo lagu magacaabo Tony Opindo ayaa sheegay in wiilkiisa uu fasalka lixaad ee iskuulka hoose ee Sagaret dhiganayay, uuna ku ciyaarayay banaanka gurigooda markii la waayay abaare 7:30 fiidnimo. Booliska ayaa sheegay in ninkan uu falalka la xiriira dilalka in uu bilaabay asaga oo 16 sano jir ah. Xilligaas wuxuu dilka ku billaabay gabadh 12 sano jir ahayd oo ka soo dhuntay magaalada Machakos oo 54km u jirta Nairobi, caasimadda Kenya. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay weli wadaan su'aalaha ay weydiinayaan ninkan, si loo helo meelaha uu ku aasay maydadka carruurtii uu dilay. Baarayaasha kiiskan ayaa sheegay in ninkan uu u sheegay in carruurta uu u raaci jiray xarumaha ilmaha lagu ciyaarsiiyo. Masten Milimu Wanjala ayaa laga soo qabtay waddada Kitengela ee caasimadda Nairobi, ka dib markii baaritan la sameeyay lagu ogaaday in isla wadadaas lagu waayay laba carruur ah. Kiisaska afduubyada la xiriira carruurta ayaa ku badanayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Booliska ayaa ku guulaystay in ay soo badbaadiyaan carruur badan, balse kuwa badan oo ka mid ah waxaa la helay maydadkooda. Booliska ayaa dhowaan sameeyay ciidamada gaar ah oo loo xil saaray ka hortaga kiisaska afduubyada ee ku soo badanaya Kenya, xilli ay waaxda dambi baarista sheegtay in arrintan ay khalkhal-gelinayso amniga guud ee dalka. ""Dilaagan oo aan ka qoomameyneynin ficilladiisa wuxuu dembi-baareyaasha u sheegay in uu aad ugu farxi jiray dilka carruurta""." https://www.bbc.com/somali/war-57851631 +entertainment Cimran Khan: Sannad uu wajahay xaqiiqooyiinka dhabta ah ee Pakistan "Cimran Khan, laacibkii Cricket-ka ee noqday siyaasiga, wuxuu sannadkii ugu horreeyay ee xafiiska la kulmay caqabado aad u badan. Waa xil ay dad badan ku fakarayeen in uusan weligii ku guuleysan karin: Ka dib muddo 20 sano oo uu loolanka siyasadda ku jiray, wuxuu guul ka gaaray doorashadii 2018-kii. Waa qeyb weyn oo ka mid ah shaqada siyaasadda. Wuu adkeystay in kastoo ay sida roobka ugu da'ayaan eedo la xiriira in militariga awoodda leh ee Pakistan, oo si toos iyo si dadbanba u mamulay dalkaas tan iyo xurriyaddii, ay si hoose uga shaqeeyaan faa'iidadada xisbigiisa PTI. Fikraddaas iyo caqabadaha kale ee badan ee Pakistan ay wajeheyso, waxaa la filayay in sannadka ugu horreeyay ay u noqoto mid fudud oo fiican. Dadka dhalleeceeya Cimraan Khan waxay sheegayaan in dunida uu la hortago weji aad uga duwan midka uu ku adeegsado gudaha Pakistan. haddaba muxuu sameeyay? Olole doorasho oo ku saleysnaa fikradda shacabka, iyo ereyada adag ee la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo ballan qaadka sameynta ""Pakistan cusub"", Khan wuxuu taageerayaashiisa u ballan qaaday ""tabdeeli"" (isbedel) taas oo ah farsamo u dhow middii Obama. Caqabadda ugu weyn ee uu wajahayay waxay tahay in uu badbaadiyo dhaqaale ay haysato isu dheelitirnaan la'aan dhanka bixinta ah. Seddeeddii bilood ee ugu horeysay, wuxuu booqday saaxiibada soojireenka ah ee Sucuudiga, Imaaraatka Carabta, Qatar iyo Shiinaha, wuxuuna ka soo helay $9 bilyan oo dollar oo deen ah, si dhaqaalaha Pakistan loo xoojiyo. Laakiin dhibaatadu way dhammaan wayday: Koboca si gaabis ah ayuu ku socdaa, Rupee-ga dalkaas ayaa sabeynaya, sicir-bararkana wuxuu kor u kacay 10 boqolkiiba, waa markii ugu horeysay ee uu laba jibbaarmo tan iyo 2013-kii. Iyadoo dhibaatada dhaqaale ay sii badaneyso, Cimraan Khan ma jirto tallaabo kale oo u furan ee aan ka ahayn in uu ka laabto waxyaabihii uu ballan qaaday taas oo ah in uu doorbidayo inuu dhinto halkii uu hay'adda lacagta adduunka ee IMF uu weydiisan deyn. Bishii July, Heshiis $6 Bilyan oo dollar ahaa ayaa lala gaaray IMF, waa markii 13-naad oo dalka Pakistan uu lacag deyn ah ka qaatay IMF, tan iyo 1980-maadkii. Uzair Younus, oo khabiir ku ah arrimaha Koonfurta Aasiya, kana tirsan urur fadhigiisu yahay Mareykanka ee Albright Stonebridge Group, wuxuu sheegay in eedeynta ugu weyn ee haysata dowladda PTI ee arrimaha koboca dhaqaalaha ay tahay in aysan lahayn shuruucda qorsheynta. ""Waxay la yimaadeen hami lagu hiigsanayo canshuur aruurin balse markii ay ku guuldareysteen in hiigsigaas ay gaaraan. Arrimhaas oo dhan ayaa hoos u wada dhacay,"" ayuu yiri. Balse Fawad Chaudhry, Wasiirka Seyniska iyo teknolojiyadda, wuxuu BBC u sheegay in dowladda ""ay shaqadeeda haysato"". ""Waxaan leenahay koox si gaar ah uga shaqeysa dhaqaalaha, waana ognahay in doorashada soo socota ay ku xiran tahay dhaqaalaha dalka,"" ayuu yiri. Wuxuu qiray in xaaladda dhaqaalaha ee shaqada dowladda ah, in wax yar oo isbedel ah uu u keenay dadka dabaqadda dhexe ah ee codka PTI uu ku tiirsan yahay. Sida lagu xusay falanqeyn lagu daabacay BBC Urdu, dowladda Khan illaa iyo hadda waxay ku guuleysatay seddax ka mid ah 34 arrimood ee uu ballan qaaday. Khudbadiisii ugu horeysay ka dib markii uu guuleystay, Ra'iisul Khan wuxuu caleen u ruxay dalka ay muddada is hayeen wuxuuna ku dhawaaqay: ""Haddii Hindiya ay hal tallaabo dhankeena u soo qaado, innagana laba tallaabo ayaan dhankooda u qaadeynaa."" Si uu arrintaas u xaqiijiyo, wuxuu durbadiiba amray harumarinta marinka Kartarpur, kaas oo matala wada shaqeynta dhifka ah ee ka dhexeeya Hindiya iyo Pakistan, wuxuuna suurageliyay in dadka Sikh ee Hindiya ay booqdaan goobaha ay barakeystaan ee dhanka Pakistan ku yaalla. Ereyadaa nabadda u taagnaa ma aysan raaginba. Bishii February, Labadan deriska ah waxay qarka u fuuleen in uu dagaal dhexmaro ka dib markii Hindiya ay duqeyn ka bilowday dhanka Pakistan. Waxay sheegtay in duqeynta lagu bartilmaameedsaday xero ay leeyihiin mintidiin weerraro ka fuliyay dhanka Khasmiir. Pakistan oo jawaab ka bixisay weerrarka Hindiya ayaa soo riday diyaarad dagaal, waxayna qabatay duuliyihii. Xiisadda ayaa sii xumaatay, balse 48 saacadood ka dib, Cimraan Khan wuxuu go'aansaday in uu siidaayo duuliyaha, taas oo baaq u ahayd nabad. Wuxuu ka faa'iday amman, waxayna ahayd arrin diblumaasiyadeed oo u muuqatay in Ra'iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi uu kaga guuleystay. Dhammaadkii sannadkan, arrin aad uga duwan wixii la filayay, Hoggaamiyaha Pakistan wuxuu magaalada Bishkek ee Kyrgyzstan kula kulmay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin. Ka dib waxaa la arkay isagoo Aqalka Cad ku sugan oo sawir la galay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Khan ku tilmaamay ""laacib weyn oo caan ah"". Muddadii uu Washington ku sugnaa, wuxuu la kulmay hoggaanka Congress-ka, wuxuuna wareysiyo siiyay warbaahinta Mareykanka oo uu u sheegay in dhammaan wax yaabaha wanaagsan ay marxalad fiican marayaan. In kastoo u muuqdo qof horumar ka shaqeeya, iyo xitaa jaceylka looga hayo dibadda, Cimraan Khan waxay dadka Pakistan u arkaan qof siyaasad ahaan weji badan leh kale leh. Hadallada uu ka jeediyo kullamada dad weynaha, wuxuu ku yahay qof hadal adag oo wax ka sheega dowladihii hore, wuxuuna ku eedeeyaa musuqmaasuq iyo in dalka ay qarka u saareen musiibo ba'an. Tallaabooyiinkiisa waxaa ka mid ah in 13 hoggaamiyayaal mucaarad ah ay xabsi ugu jiraan musuqmaasuq. Waxaa ka mid ah Ra'iisul Wasaarihii hore Nawaz Sharif, gabadhiisa, Maryam Nawaz iyo madaxweynihii hore Asif Zardari. Waxaa intaa dheer, sida ay sheegeen kooxaha arrimaha Pakistan u ololeeya, ""waxaa jiray cadaadis qarsoon oo lagu hayo xurriyada hadalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda Cimran Khan, tan iyo markii uu xilka qabtay. Reema Omer, oo ah qareen ka tirsan urur caalami ah waxay sheegtay in tacaddiga hadda jira uu ka culus yahay waxa ay ka hadlayaan kuwa isaga dhalleeceeya. ""Qadadka halista ee ah waxa laga hadli karo iyo kuwa aan laga warrami karin, ayaa maalin kastaa is bedelaya, waana arrin sare u sii keceyso,"" ayey tiri. Waxay intaa ku dartay: ""heerka su'aal laga keeni karo arrimaha dowladda ee xaaladaha iska cad, ayaa si degdeg ah hoos ugu sii dhacaya"". Prof. Ahsan Butt, oo ka tirsan iskuulka culuumta iyo dowladnimada ee Schar School, ee jamacadda George Mason, wuxuu su'aal ka keenay in Mr Khan - nin muddo ka hor ahaa o qunyar socod ah - uu si buuxda uga dambeeyo howlgalladan. ""[Howlgalka] waxaa markii hore hoggaaminayay militariga iyo sirdoonka. Cimraan Khan ama si toos ah ayuu uga qeybqaadanayaan howlgalkaas, ama mid ka xun ayuu wadaa; Wuxuu hadda eegay dhanka kale ama isku deyayo in uu joojiyo,"" ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/war-49452276 +technology Doon aan cidna wadin oo xog muhiim ah kasoo gudbisay gunta hoose ee badda "Dooni Robot ah oo aysan cidna wadin isla markaana laga hagayay dalka UK ayaa ka soo laabatay sahankii ugu horreeyay ee lagu sameeyay Folkaanaha Tongan ee badda hoosteeda ka qarxay bishii January. Doonida oo ay leedahay shirkadda (USV) Maxlimer -waxay qeyb ka tahay sahan lagu sameynayo gunta hoose ee badda gaar ahaan meesha uu ka qarxay Folkaanaha inta u dhexeysa biyaha Hunga-Tonga Hunga-Ha'apai. Doontan oo ay samaysay shirkad British ah oo lagu magacaabo Sea-Kit International ayaa waddaa sahminta wajigga labaad ee foolkaanada Tonga , mashruucaas oo uu hogaaminayo Machadka Qaranka ee Biyaha iyo Cilmi-baarista ku saabsan Cimilada (Niwa) ee New Zealand ayna maalgelineyso hay'adda Nippon ee laga leeyahay dalka Japan. Xogta ilaa hadda ay soo ururisay ayaa xaqiijisay warbixinadii hore ee dhaqdhaqaaqa foolkaanaha ka qaxay aaggaas. Doonta waxaa leedahay qalab u suurtageliyay in xogta uu kasoo gudbiyo biyaha hoostooda gaar ahaam 300m. Doonta Maxlimer oo dheererkeedu yahay 12 mitir ayaa gaartay biyaha Tonga, laakiin waxaa laga hagayay meel fog oo 16,000km u jirta xeebta Tollesbury ee Essex. Waxay arrintani ku suurtogashay kadib markii doonta lagu rakibay dayax-gacmeedka. Qolka mugdiga ah ee laga hagayay doonta Robot-ka ah waxaa yaallay shaashadood waaweyn oo soo bandhigayay sawirro toos ah oo ay soo gudbinayeen kameerooyinkii ku rakibnaa doonta. Hawl-wadeennada ku sugnaa qolka ayaa si toos ah ula socday dhaqdhaqaaqa doonta, waxayna eegayeen xogta isbaddaleyso ay doonta kasoo gudbineysay dhinaca koonfurta ee badda Pacific. Ashley Skett, oo ah agaasimaha hawlgallada ee Sea-Kit, ayaa u sheegtay barnaamijka Inside Science ee ka baxa BBC- Radio 4 in hawl-wadeenadu ay xitaa ku wada xiriiri karaan raadiyaha maraakiibta kale ee aaggaas ka dhaw si doomaha kale ee marayo badda aysan u ogaan in qofna uusan saarnayn doonta robot-ka ee Maxlimer. ""Doonta waxaa loo nashqadeeyay in meel fog laga hago, marka tallaabo kasta, dhaqdhaqaaq kasta halkan ayaan ka hageynay"". Mustaqbalka howlgallada badda waxaa loo isticmaali doonaa doomaha Robotic-ka ah, ee meelaha fog laga hago marka sahan laga sameynayo gudaha badda gaar ahaan goobaha halista ah sida meelaha uu ka qarxo foolkaanaha si shaqaalaha doomaha looga maarmo oo aysan dhibaato usoo gaarin. Mar kale ayaa doonta robot-ka ah loo diri doonaa sahan kale maadama hadda cimilada badda gobolkaas ay xun tahay si ay u soo gudbiso xog kale oo muhiim ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa foolkaanaha Tongan ee gunta hoose ee badda. Xogta ay soo gudbisay doonta waxay naga caawin doontaa inaan fahanno sababta qaraxa folkaanaha uu u horseeday saameyn weyn oo dhibaato leh, iyo sidoo kale saadaalinta ku saabsan in foolkaanahaas uu qarxo mustaqbalka." https://www.bbc.com/somali/articles/c3gp4g3wrr5o +politics "Putin oo lagu eedeeyay in markale uu ""farageliyay"" doorashada Maraykanka" "Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayay u badan tahay inuu oggolaaday isku day uu dalkiisa ku faragelinayay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore, si uu ugu guulaysto Donald Trump, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka. Moscow ayaa faafisay ""eedeymo marin habaabin ah"" oo ka dhan ah Joe Biden oo doorashada uga guulaystay madaxweynihii xilka hayay, sida lagu sheegay warbixinta Maraykanka. Sirdoonka ayaa sheegay in aysan jirin dowlad shisheeye oo ay u suuragashay inay wax ka bedasho natiijada kama dambeysta ah ee doorashadaas. Ruushka ayaa marar badan beeniyay inuu faragelin ku sameeyay doorashada Maraykanka. Wada hadalka Biden iyo Putin: ""Waan ogahay in Ruushku isku dayay faragelinta doorashadii 2020"" Trump: Putin ayaa ka hoggaan fiican Obama Warbixinta oo ka kooban 15 bog, uuna Talaadadii shaaciyay xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaran, ayaa ka hadashay wax ay ku tilmaantay ""hawlgallo faragelin ah"" oo ay dabada ka riixayeen Ruushka iyo Iran. Waxa ay sheegtay in shakhsiyaad xiriir la leh Ruushka ay faafiyeen eedeymo aan caddeyn loo hayn oo ka dhan ah Madaxweyne Biden ka hor doorashadii dhacday horraantii November. Ololahaas dacaayadda ah ayay warbixintu sheegtay in looga dan lahaa in lagu wiiqo kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashada. Warbixinta ayaa lagu sheegay in dad xiriir la leh sirdoonka Ruushka ay warbaahinta, mas'uuliyeen sare iyo xulafada Trump u gudbiyeen aragti ka dhan ah Biden. Madaxweyne Joe Biden ayaa Trump uga guulaystay doorashadaas, waxaana xilka madaxtinnimada loo dhaariyay 20-kii January. Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in inkastoo Ruushka uu isku dayay xoojinta fursadaha uu ku guulaysan karo Trump, ay dhanka kale Iran ""fulisay olole qardoosi ah"" oo ay ku wiiqeyso taageerada uu helayay madaxweynihii hore. Trump ayaa qaatay siyaasad uu cadaadis xooggan ku saarayo xukuumadda Tehran, isagoo cunaqabateyn ballaaran ku curyaamiyay dhaqaalaha Iran. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Shiinaha oo marar badan lagu eedeeyay inuu basaasnimo dhanka internet-ka ah la beegsado Maraykanka, uu doorashadii u dambeysay go'aansaday in uusan wax faragelin ah ku sameyn. Sirdoonka Maraykanka ayaa bishii August ee la soo dhaafay shaaciyay in Shiinaha, Ruushka iyo Iran ay isku dayayaan inay farageliyaan doorashada madaxtinnimo ee dhacaysay November sanadkaas. Qiimeynta ay hay'adaha sirdoonka xilligaas sameeyeen ayaa muujinaysay in dedaallada Ruushka ay ahaayeen kuwo ka dhan ah Biden, halka Shiinaha iyo Iran ay rabeen in Trump looga guulaysto doorashada." https://www.bbc.com/somali/war-56425325 +sports Gabadh Soomaali oo haweenka siisa tababar dhanka jimicsiga ah "Maalmahan dambe waxaa soo ifbaxaya xarumaha jimicsiga ah ee gaarka u ah dumarka si ay caafimaadkooda u ilaaliyaan, waxaana xarumahaas tabbabarka bixiyaa hablo ay ka go'antahay howshaas. Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooy Bari Kenya ayaa kamid ah magaalooyinka leh xarumo dumarka ay u jimisi tegaan. Xarunta jimicsi ah ee ku taalla magaalada Gaarisa waxaa tegaa haween badan oo lagu baro jimicsiga si ay u xoojiyaan caafimaadkooda una dhimmaan miisaankooda. Istarliin Maxamed Cabdi waxay muddo 2 sano ah haweenka bareysay jimicsiga, waa macalimad subixii xaruntaa gaarka ah ku barta jimicsiga koox haween ah. Waxay sheegtay in waxyaabaha ku dhaliyay barista jimicsiga ay tahay inay dhinto miisaankeeda oo kordhay isla markaana magaalada aysan xilliggaas ka jirin xarun gaar ah oo dumarka lagu baro jimicsiga. Waxay rumeysan tahay in iyadoo aanan la qaadin biraha jimicsiga uu qofka iska dhimi karo miisaanka. ""Markii hore xarun jimicsi oo u gaar ah dumarka ma jirin, waxaana go'aansaday in xaafaadda aan ku saameeyo , waxaan bilaabay in gabadhaha Gaarisa oo rafaadsan sida hooyo aniga oo kale ah oo amrka ay umulaan kilo badan ku darsamayo iyo si ay isaga dejiyaan miisaanka waxaana bilaabay in aan jimicsiga u baro anigana aan dhaqaale uga helo"" ""Wey fiicantahay birta jimicsiga ee la qaadayo, dumarkana waa mid u fiican, aniga miisaankeeda waxaan dhimay aniga oo aanan wax bir ah qaadin"" ayay tiri Starliin. Xarumaha jimicsiga waxaa inta badan tabbabarada bixiyaa ragga iyadoo dumarkana inta badan aysan laheyn xarun u gaar ah. Inkasta oo ay Starliin howshan ku jirtay in muddo ah waxaa jiraa caqabado soo wajahay oo ay kala kulantay bulshada oo aanu u baran in dumarka ay tegaan goobaha jimicsiga. ""Waxay dhahaan adiga jaamacad ayaa ka baxday, adiga shaqo maad iska raadsatid oo aan wax dhibaato ah kala kulmeynin oo aadan bir ku qaadeynin oo aad ku caatoobeynin"" Starliin ayaa gabadhaha kula dardaarantay inay ka shaqeeyaan ilaalinta caafimaadkooda isla markaana aysan ka fakarin oo kaliya ah quruxdooda. Gabadhan waxay sidoo kale bixisaa casharrada kubadda koleyga iyo noocyaha kala duwan ee jimicsiga, waxay howshan bilowday kadib markii ay ka qalinjebisay jaamacadda oo ay shaqo weysay, inkasta ay hiwaayadeedu tahay in haweenka ay u tababarto jimicsiga. ""Soomaalida waxay aaminsan yihiin in gabadha ay qurxoon yihiin marka uu miisaankooda culus yahay marka ay cayilan yihiin ayay u maleynayaan in quruxdooda ay meesha ku jirto balse marka hore waxaa la rabaa in caafimaadkooda ay ka fikiraan"" Gabdhaha yimaada xarunta ay tababarka Jimcisga ka bixiso Macalimad Starliin waxay sheegeen in haatan ay isbaddal xooggan dareemayaan marka loo barbardhigo xilliggii hore. ""Waxaan xarunta yimid aniga oo miisaankeygu yahay siddeetan iyo dhowr kiilo ah hadda waxaa iga go'day ilaa afar kiilo, waan wadaa dhiirigelin fiican bey inoo heysaa macalimaddeena"" ayay tiri Faadumo Maxamed Yuusuf oo kamid ah gabadha ay Starliin tababarka jimicsi u fidisa Starliin waxay aaminsan tahay in tabababarkeeda dhanka jimicsiga uu isku keenay dumar badan oo qabta xirfado kala duwan kuwaas oo ka sheekeysta caqabadaha kala duwan ee heysta. ""Caafimaadka ayay xoojisaa, maskaxda ayaa lagu dejistaa meeshan, gabdhaha soomaaliyeed ee guurka dhibaatada kala kulma, qaar dil ayay kala kulmayaan guurka, marka ay imaadaan Gym-ka waxay u noqon goob ay ku nastaan oo ay sidoo kale goobta ay ku arkayaan gabdho kale oo qabta xirfado kala duwan sida dhakhtarad, ganacsato, halkaas ayay ku wada sheekeysanayaan gabadhii xaafadda iska joogtay waxay goobta ku gaaray go'aan ay nolosheeda ku baddasho"" ayay tiri Starliin Maxamed Cabdi. Arrintani ayaaa noqon kartaa mid dumar badan dhiirigelisa inkasta oo oo ay jiraan caqabado ku gadaaman oo kaga imaanaya dhinacyo kala duwan." https://www.bbc.com/somali/war-59550334 +technology SmartWater: Maaddo haddii dumarka lagu buufiyo ay adkaaneyso in wax la yeelo "Qofkii ugu horreeyay oo ku sugan dalka UK ayaa la xiray kadib markii lagu helay in uu geystay tacaddiyada ka dhanka ah dumarka, waxaana qofka lagu ogaaday in xadgudubkaas uu sameeyay markii lagu buufiyay maaddada SmartWater, teknooloojiyaddan waxaa tijaabinaya ciidamada booliiska iyadoo la rajeynayo in la ilaaliyo haweenka badqabkooda. Maaddadan ayaa kusii sugnaaneysaa maqaarka banii'aadanka iyo dharkaba ilaa lix toddobaad ama ka badanba, waxay fududeyneysaa in la helo macluumaadka la xiriira qofkii dambiilaha ahaa iyadoo la eegayo maddadan dareeraha ah ee lagu buufiyay. Dhibbanaha, oo ku sugan Galbeedka Yorkshire, waa mid ka mid ah in ka badan 200 oo haween ah oo ku nool England oo haatan guryahooda dhigtay maaddadan, waxay ku jirta gasacad iyadoo ay ku buufinayaan gacan-qabsiga albaabka iyo albaabbada guryaha iyo dabin otomaatig ah oo buufinaya dareeraha haddii qof uu ku soo dhawaado guriga. Sarkaalka guud ee dambi baarista ee galbeedka Yorkshire, Lee Berry, isla markaana keenay fikraddan ayaa BBC u sheegay in ""Tacaddiyada ka dhex dhaca qoyska ay adagtahay in la ogaado iyadoo dadka dambiyada geystana badankooduna aan dacwad lagu soo oogin"" ""Haddii si dhab ah qofka dambiilaha ah loo beegsado iyadoo la adeegsanayo seyniska, waxaan gacanta ku dhigi karnaa qofkaas marka uu kusoo laabto meeshii uu wax ka geystay, waxaana kala saari karnaa dambiilaha iyo dhibbanaha"" ""Waxaan ku oraneynaa dambiilaha, haddii aad dib ugu laabato goobtaas, waxaad jebisay shuruudahan markaa si cilmiyeysan ayaa lagu beegsanayaa"" Ciidamada Booliska ee Galbeedka Yorkshire, South Yorkshire iyo Staffordshire ayaa dhamaantood adeegsanaya qalabkan, kaasoo qiimihiisu yahay £150, taasoo qayb ka ah tallaabooyinka lagula dagaalamayo rabshadaha qoyska. Rabshadaha ka dhex dhaca qoyska waxay saameeyaan ragga iyo dumarka labadaba. Inta badan dhibbanayaasha isticmaalaya qalabkan waxay booliska u sheegeen in amni ay dareemayaan. Booliska UK waxay wadaan dadaallo xooggan oo wax looga qabanayo rabshadaha ka dhex dhaca qoyska ee saameeyo dumarka iyo gabdhaha, DS Berry waxaa ku rajo weynyahay in ciidamada ay adeegsan doonaan qalabka si loola dagallaamo tacaddiyada ka dhaca guryaha. Muddo sanado ah maaddada SmartWater waxaa loo isticmaalayay in lagu ilaaliyo hantida iyo ka hortagga tuugada, dareerahan aysan isha qaban waxaa lagu arki karaa nalal awood leh iyo tooshashka ay isticmaalaan booliska. Tusaale ahaan, haddii hanti la xado isla markaana marka dambe dib loo helo, waxaa la heli karaa qofkii iska lahaa hantidaas ee laga xaday waa haddii qalabkaas lagu sameeyo baaritaan cilmiyeysan. Nin kasoo jeedo deegaanka Wakefield, ee galbeedka Yorkshire dalka UK ayaa tacaddiyo u geystay saaxibtiisii hore kaas hadda ka hor la siiyay amar ah in uu bannaanka ka maro, markii uu damcay in uu guriga soo galo, waxay ku buufisay dareerahan sirta ah. Dareerihii SmartWater wuxuu ka caawiyay saraakiisha booliska inay soo qabtaan ninka booliska ah iyagoo ku raadinayay dareerihii sirta ahaa ee lagu buufiyay. Waxaana lagu xukumay 24 toddobaad oo xarig ah. Sacdiyo 'Ninkayga wuu ii gacan qaadi jiray mar kasta"" Gabdho ay qoyskooda dileen kaddib markii lagu dhex arkay muuqaal baraha bulshada ku baahay ""Anigoo yar ayuu nin isku dayay inuu i kufsado, fikirkan ayaana igu dhashay"" Rachael Oakley, oo ah agaasimaha maaddada SmartWater waxay sheegtay in dareerahan loo adeegsan karo baaritaanada dambiyada si lamid ah kameerooyinka CCTV-ga. ""SmartWater waxa ay ka kooban tahay walxo dhif iyo naadir ah oo la isku daray oo aan si dabiici ah looga heli karin meel kasta oo adduunka ka mid ah, dhalo kasta waxa ku dhex jira xaddi kala duwan, qeyb kastana waa mid gaar ah, markaa waxaan si gaar ahaaneed u ogaan karnaa qeyb kamid ah dareeraha sirta ah"" ""Xogteena waa isku xirka baaritaanka ee kuugu xireysaa qofkaas""" https://www.bbc.com/somali/war-60443053 +business Buug uu qoray Shakespeare oo lagu iibiyey 10 malyan oo doolar Nuqul ka mid ah buuggi ugu horreeyey uu qoray qoraagi weynaa ee reer Britain Shakespeare oo lagu soo bandhigay magaalada New York ayaa lagu iibiyey 9.98 malyan oo doolar. Buuggan ayaa la daabacay 1623-kii toddoba sano kaddib dhimashada Bard, waxaana lagu soo uruuriyey ruwaayadahiisa. 235 nuqul oo ka mid ah buuggaasi ayaa la sheegay in mela kala duwan laga helo balse nuqulka dhammeystiran uu gacanta ugu jiraa cid gaar ah. Buuggan oo Arbacadi la iibiyey ayaa noqonaya nuqul dhammeystiran oo qiima intaa le'eg lagu iibiyo tani iyo 2001-dii, iyada buuggi kan ka horreeyey lagu iibiyey 6.1 malyan oo doolar. Waxaana buugga iibisay kulliyadda Mills ee ku taallo Oakland, California oo ah kulliyad gaar loo leeyahay oo buuggaasi tani iyo 1960-kii gacanta ku haysay. Balse cidda buugaasi iibsatay markiba lama ogaan. Suuqa xaraajka ee Christie qiimaha buuggaasi lagu iibin karo marki hore wuxuu ku qayaasay 4 malyan ilaa iyo 6 malyan oo doolar. Buuggan ugu horreeyey uu qoray Shakespeare ee 10-ka malyan oo doolar lagu iibiyey waxaa lagu soo uruuriyey 36 ka mid ah ruwaayadahiisi ugu caansanaa. 235-ka nuqul ee buuggaasi ee la sheego iney meel kala duwan yaalliin dhammaantood waa qabya oo ma dhammeystirna. Mid ka mid ah nuqulladaasi oo ay lahayd Jaamacadda Oxford waxaa 2003-dii lagu iibiyey 3.5 malyan oo doolar. Shan ilaa iyo Lix nuqul oo kale oo dhammeystiranna waxaa la rumeysan yahay iney weli gacmo shaqsiyaad ku jiraan. https://www.bbc.com/somali/war-54548479 +religion Muslimiinta iyo Hinduuga: 'Walaalkay anigoo baryaya ayuu ninkeyga ku dilay hortayda' "Ashreen illinta way joojin waysay markii ay ka sheekaynaysay dhacdadii ninkeeda lagu dilay xilli ay goob joog ahayd. ""Aad baan u baryay walaalkay, balse ma uusan joojinin garaacidda uu ku samaynayay ninkayga. Bir ayuu la dhacayay waxaana la dilayay nin kale oo toori watay. Ma jirin qof awood u helay inuu badbaadiyo ninkayga. Waxaan isku guursannay jacayl,"" ayay tidhi iyadoo la hadlaysay BBC-da. Ashreen Sultana walaalkeed oo lagu magacaabo Syed Mubeen Ahmed iyo nin kale oo ay qaraabo yihiin oo magaciisa lagu sheegay Masood Ahmed ayaa lagu eedeeyay in ay dileen seygeeda, Dalipuram Nagarajo, oo ay ku weerareen bartamaha waddo ku taalla magaalada Hyderabad. Qoyska gabadha ayaa ka cadhaysnaa go'aanka ay iyadoo Muslim ah ku guursatay nin Haysta Diinta Hinduuga. Dilka ninkaas, oo fiidnimadii Arbacada ka dhacay waddo mashquul ah oo ku taalla magaalada Hyderabad, ayaa argagax geliyay dhammaan dadka deegaanka. Falkan ayaa ka dhacay meel wax yar u jirta xafiiska dowladda hoose ee Sarwar Nagar. Nagaraju iyo Ashreen ayaa is jeclaa tan iyo markii ay iskuulka dhiganayeen. Jacaylkooda ayaa sii socday ilaa markii ay jaamacadda u gudbeen. Hase yeeshee Ashreen walaalkeed ayaa markii dambe ka war helay xiriirkooda. Ninka ay gabadha walaalaha yihiin ayaa meherad macmacaanka lagu iibiyo ku leh xaafadda Balangar ee magaalada ​​Hyderabad, sida ay boolisku sheegeen. Ashreen aabeheed ayaa mar hore geeriyooday, waxayna la noolayd hooyadeed iyo walaalkeed. Nagarajo ayaa isaguna kasoo jeeday bulshada Dalit, waalidiintiisuna waa muusikiisteyaal kasoo jeeda deegaanka Waqarabad. Sidoo kalena waxaa qudhiisa la dhalatay gabar. Marar badan ayuu Ahreen walaalkeed ku gooddiyay inuu soo afjari doono xiriirkooda. Bishii January ee sanadkan, Nagaraju waxa uu mar kale la kulmay gabadhan waxayna si wadajir ah u go'aansadeen in ay is guursadaan. Ashreen way ogayd in walaalkeed uusan raalli ka noqon doonin arooskeeda, sidaas awgeed waxay go'aansatay in ay ka tagto guriga. Waxa ay guriga uga tagtay telefoonkeedii, si aysan qoyska ugu suurtagelin in ay wax macluumaad ah ka helaan meesha ay aadday. Walaalkeed wuxuu dacwad ku saabsan gabadha la waayay u gudbiyay saldhigga booliska ee Balanagar. Markii ay boolisku la xiriireen lamaanaha, ayna ogaadeen in ay yihiin labo qof oo qaan gaar ah, qoyska ayay u sharraxeen sida aysan arrintaasi sharciga uga hor imaanaynin. Lamaanaha ayaa macbad hindidu leeyihiin oo ku yaalla Hyderabad isku guursaday 31-kii bishii January. ""Waxaan aaday saldhigga booliska, waxaana halkaas kula kulmay gabadha hooyadeed iyo walaalkeed,"" ayay tidhi hooyada dhashay wiilka la dilay. ""Waxaan u sheegay hooyada in aysan walwalin, maadaama aniguba aan gabar leeyahayna aan gabadheeda ula dhaqmi doono sidii gabadh aan dhalay oo kale,"" ayay sii raacisay hadalkeeda. Arooska kaddib waxaa billowday qorshe dil ah oo loo diyaarinayo Nagaraju, sida ay sheegtay xaaskiisa. Markii ay naftooda u cabsadeen waxay ka guureen magaalada Hyderabad. Balse shan maalmood ka hor inta uusan dilku dhicin ayay laamanahan soo laabteen iyagoo ku fikiraya in xanaaqii qoyska uu dhammaaday. Marka uu dilku dhacayay waxaa dhacdada oo dhan duubtay kaamiro CCTV ah oo ku xirnayd meel u dhow halkaas. Muuqaal laga arkayo Ashreen oo isku dayaysa inay ninkeeda badbaadiso ayaa ku faafay baraha bulshada, arrintanina waxay maalmihii lasoo dhaafay si wayn u qabsatay baraha bulshada iyo warbaahinta Hindiya." https://www.bbc.com/somali/war-61351670 +business Sawirro: Barafka iyo siduu u bilay meelo uu barriinsaday Dalka Ingiriiska ayaa waxa sannadkan ku soo maray qabow aad u ba'an oo baraf aan muddo dheer la arag ayaa ka da'ay dalkaas. Waxa se la yaab leh in taalooyin, dhir iyo dhismeyaal uu barafkaasi ku fadhiistay uu ku bilay qurux dheeraad ah oo uu ku dhaabay. Waa kuwan sawirro qurux badan oo laga qaaday meelo badan oo ku yaal dalka Ingiriiska. Waa muuqaal qurux badan oo laga qaaday baraf ku habsaday taallo ku taal London. Baraf ka laalaada dhirta oo aad mooddo rucub lulata. Sawirrada dhirta iyo barafka isku dhaabani kala daran. Fallaadhaha cadceedoo casar gaaban joogtiyo baraf wada casuus badan. Taallo kale oo London ku taal oo baraf shareeray. https://www.bbc.com/somali/56052118 +entertainment Hindiya: 'Jaceyl dhiig ma lagu qoray' Jaceyl iyo Dhiig marka la soo hadal qaado waxa ugu horreeya oo qofka Soomaaliga maankiisa ku soo dhacaya waxaa ka mid ah heestii ay ku luuqeysay Allaha u naxariistee Xaliima Khaliif Magool ee ahayd, 'Jaceyl Dhiig ma loo shubay‘. Heestaasi oo uu miraheedu lahaa Abwaankii weynaa Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi. Billowa heesta haddii aan qaddar ka soo qaadanno waxay leedahay: Jacayl dhiig ma lagu qoray Weli dhuux ma loo shubay Qofna saanta dhabarkiyo Ma u dheegey feedhaha Dhabanada cad laga jaray Hadalkii ma lagu dhigay Xinjir aan is dhalan rogin Midabkeedu dhiin yahay Laga dhuray halbowlaha Weli dhiil ma lagu shubay Laba mays dhansiiyeen Sida dhayda xoolaha Dhag dhag maw wadaageen… Heesta oo aad u dheer dhowr beydna ka kooban intaa aan ku dhaafo oo aan u daadago dulucda qoraalka aan idinla wadaagayo. Haddaba dalka Hindiya waxaa ka jira dhaqan la mid ah kii uu su’aal ahaan uu u dhigay abwaan Hadraawi ee ahaa ‚Jaceyl dhiig ma lagu qoray.‘ Dalka Hindiya waxaa ka jira dhaqan soo jireen ah oo qofka marka uu qof uu jacel yahay uu jeceylkiisa u bandhiganayo uu dhiiggiisa dhambaal Jaceyl ugu qoro. Inta badanna waxaa sidaa sameeya ragga ee wax jecel iyada oo dumarka ay arrintaa ku yartahay. Marar badanna waxaa dhacda gabdhaha dhambaalka dhiigga lagu qoray jaceylka loo qabo looga soo bandhigo iney dalabkii wiilka ka diidaan sidaana ay rag badan qudha isaga jaraan. Dhalinyarada qaar oo dhiiggooda dhambaallada jaceyl ku qoro isla-markaana ay dumarka dalabkooda ka diidaan waxay cabashadooda u gudbiyaan dowladda si la mid ah wiilka sawirka haya ee sare ka muuqda. Dhambaalka ka sakoow waxay Hindidu dhaqan u leeyihiin iney ubaxyo iyo sawirro ay ku muujinayaan hadba dareenkooda farxadda ama murugada ay sawir ku muujiyaan. Dad badan oo dalka Hindiya caan ka ah oo arrinkan si weyn u taageera oo nool ayaa dhiiggooda tabarruc ahaan u bixiyaan si ay dadka dadka wax sawiro ay u isticmaalaan. Hindiyana waxaa ka jira hay’ado aan dowli lahayn oo sawirrada ay u adeegsadaan dhiigga ay dadku tabarruca ku bixiyaan waxayna dadka wax sawirana ay aaminsan yihiin cibaado ay ilaahey ugu dhawaanayaan. 100 mililitir oo dhiig ayaa loo isticmaalaa in seddex sawir lagu sawiro  iyada oo lagu darayo dawooyin iyo kiimika kale si midabka dhiigga looga baab’iyo. Jaceylka ka sokoow dhiigga wax lagu qoro waxaa dalka Hindiya looga isticmaalaa mudaharaadyada ama iisu soo baxyada ay dadku ku raadsanayaan xuquuqahooda ama ay arrin uga soo horjeedaan. Waxaa tusaale ahaan loo soo qaadan karaa mudaharaadki 2013-kii ka dhacay ka dhacay dalka Hindiya oo ay haween ku nool tuulooyin ku yaalla gobolka Gujaraat oo ka badan 100 dhiiggooda ku soo qoreen boorar ay dowladda uga dalbanayaan in Modi uu waddo u dhiso. Haddaba akhristoow adigu qof aan si dhab ah u jeceshahay dhiiggaada ma ugu qori lahayd dhiiggaaga? https://www.bbc.com/somali/articles/crgn9r1r85vo +business Suuqa madow ee Nairobi ee lagu iibiyo carruurta la soo xaday Iyadoo la adeegsanayo saxafiyiin qarsoodi ah, ayuu barnaamijka baaritaanka ee BBC Africa Eye wuxuu dhexgalay shabakado sharcidarro ah, oo lagu dhex arkay carruur laga soo afduubtay hooyooyiin guryo la’aan ah, laguna iibiyay wax ka yar $300 oo dollar. Baaritaanka ayaa socday muddo sannad ah. Sidoo kale waxaa la helay caddeyn muujineysa in cisbitaallo lagu iibiyo carruurta laga tagay, waxaa sidaa sameeya shaqaalaha caafimaadka ee Isbitaalka Mama Lucy Kibaki, ee Nairobi. Maamulka Isbitaalkaas kama aysan hadlin arrinta. https://www.bbc.com/somali/war-54956141 +politics Donald Trump oo la dul dhigay amar ku saabsan canshuur celinta "Maxkamadda ugu sarraysa Mareykanka ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas, Donald Trump ku amartay in uu xafiiska dacwad oogista ee New York ku wareejiyo dhammaan dukumentiyada la xiriira canshuur celinta iyo xisaabihiisa kale. Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa horay u diiday in uu soo bandhigo waraaqaha la xiriira canshuur celintiisa muddo sannada ah, maadaama sharciga uu dhigayo sidaas. Maxkamad hoose ayaa amartay in dukumentigaas uu yahay mid khuseeya baaritaan dembi. Go'aanka maxakamadda kama dhigna in dukumentigaas xilligan loo soo bandhigayo dadweynaha balse khubarada sharciga waxay sheegeen inay tahay mid lagu ogaanayo, laguna baarayo sax ahaanshaha canshuur celinta qofka, lagana yaabo in dib dadweynaha looga soo bandhigo haddii ay noqoto in wax dembi ah lagu helo. Go'aanka maxakamadda sare ee Mareykanka ayaa la aaminsan yahay in uu culeys ku yahaya Donald Trump oo in muddo ah ku jiray dagaal ah sidii uu u difaaci lahaa diiwaanka xisaabaadkiisa. Bartamaha sanadkii hore, maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa xukuntay in dukumentiga canshuur celintia Trump ay qiimeeyaan xafiiska dacwad oogista ee New York. Haseyeeshee qareenadii matelayay Mr Trump ayaa go'aankaas kasoo horjeestay, iyagoona ku dooday mid aan wanaagsaneyn balse maalin kahor, maxkamaddu waxay ku gacan seyrtay doodad qareenada madaxweyne Trump. Sida ay kusoo warrameen qaar kamid ah warbaahinta Mareykanka, tani waxay ahayd fursaddii ugu dambeysay ee u furneyd madaxweyne Trump oo aqalka cad ka tegay bishii hore. War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa Mr Trump waxaa uu xafiiska dacwad oogaha ee New York ku eedeeyay kuwa isaga bartimaameedsanaya, wuxuuna maxkamadda sare ku dhaliilay go'aanka ay gaartay. Arrintan maxay salka ku heysaa? Xafiiska xeer ilaalinta ee Manhattan ee dalka Mareykanka Cyrus Vance, oo katirsan xisbiga dimuqradiga ayaa in muddo ah ku raad joogay sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa xogta la xiriirta canshuurta uu bixiyo madaxweyne Trump. Mr Vance ayaa in muddo ah baaritaan ku hayay eedeymo ah in madaxweyne Trump uu doorashadii 2016-ka bixiyay lacag aad u badan, lacagtaas oo la sheegay in uu siiyay laba haween ah oo uu xiriir kala dhaxeeyay. Xeer ilaalinta waxay ku andacoodeen in helitaanka dukumentigaas uu muhiim u yahay eedeymaha loo heysto. Lacagahan ayaa la sheegay in uu bixiyay qareenkii hore ee madaxweyne Trump, Michael Cohen, lacagahaas oo la kala siiyay iyo Karen McDougal. Mr Trump ayaa beeniyay in wax xiriir ah uu kala dhaxeeyay haweenkaas, wuxuuna go'aanka maxkamadda ku tilmaamay ""mid siyaasadeysan"". Madaxaweynihii hore ee Mareykanka ayaa lacago badan ka dhaxlay aabihii, wuxuuna sidoo kale lacago badan ka macaashay dhismaha guryaha, waxaase uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay tan iyo 1970 ee aan dadweynaha usoo bandhigin canshuur celintiisa." https://www.bbc.com/somali/war-56165095 +health Weyneysashada faruuryaha iyo gabdhaha Soomaalida: Ma quruxu mise qarash, khatar iyo qurux beel? "Baraha bulshada waxaa ku baahay haween badan oo Soomaali ah oo durtay dibnaha ama faruuryaha, si ay dabcan qurux uga raadiyaan. Dad badan ayaa u arka in dibnaha loo weynaystaa ay qayb ka tahay quruxda qofka, halka kuwo kale ay u arkaan foolxumo la soo korodhsaday. Qalliimada macmalka ah ee qofku ku beddelayo xubnihisii, isaga oo baadigoobaya qurux ayaa ku cusub Soomaalida dhexdeeda. Weynaysashada dibnaha ayaa muddooyinkii danbe aad uga baahday dunida oo dhan, iyada warbixinaha la sameeyey tilmaamayaan in dhallin yar badani ay hawshaa ay u hawlgaleen. Dadka caanka ee baraha bulshada isticmaala ayaa ah kuwa ugu badan ee saameeyey dhallinyartaas, ee ay ku dayanayaan. Mid ka mid ah gabdhaha isticmaalay, Filsan ayaa warbaahinta maxaliga ah u shegetay, ""Waligeey waxan jeclaa inaan weyneesto furuuryaheyga. Maanta waan ku faraxsanahay in faruuryaha la ii weyneeyay. Waxaan dareemayaa Qurux aan horay u laheen. Markii hore faruuryo yaryar ayan qabay hada kuwa qurux badan ayaan helay"" Filsan oo ku nool Muqdisho ayaa Maanta qaliin looga sameeyay faruuryaheeda. Waana loo weyneeyay sida sawirada ka muuqata. ""Qurux ayan ahay"" ayey tiri Meelo kala duwan oo dunida ha sida UK ayaa laga istcimaalaa, balse waxaa jira baaqyo soo baxaya gudah UK oo ha in sharci laga soo saara weyneynya faruuryaha iyo qaabka loo sameynaya. Dad qaar aya ka cabanaya khatarta ka soo gaadhay. ""Waxay gaadhay heer ay faruurtaydu dhab ahaantii bilawday inay korto, aad bay u xumaatay runtii waxaan dareemi karaa inay bilaabeen inay kala tagaan. ""32-jir moodeel ah Lora Mua, ayaa sidaasi BBC-da u sheegtay. Knappier, ayaa iyana sheegtay in ay ka qaadday cuqdad kaddib markii muddooyin farabadan aysan ka bixin gurigooda xanuun awgii. Waxaana ay raacisay in 'halkii ay qurux raadinaysay ay foolxumo isu horseedday'Qaar ka mid ah khubarada hormuudka ka ah warshadaha bilicsanaanta ayaa hadda ku baaqay in xeerar adag laga sameeyo dawooyinka maqaarka.Tusaale ahaamn Dawladda gobolka Welsh ee daka UK waxay sheegtay in muhiim tahay in mustaqbalka laga tashada in ruqsad la siiyo dadka ku shaqeeya hawlahaas. Ma jiraan sharci arrinatn ka hadlaya Buuxiyeyaasha maqaarku waa cirbado loo isticmaalo buuxinta laalaabkii iyo dillaacii maqaarka, inkasta oo sidoo kale inta badan loo isticmaalo in lagu kordhiyo mugga iyo qeexidda dibnaha iyo dhabannada.Waqtigan xaadirka ah ma jiro sharci ka jira Soomaaliya iyo dalal badan oo adduunka ah oo sheegaya inaad u baahan tahay inaad yeelato tababar caafimaad si aad u fuliso habsocodka, taasoo la micno ah in qof walba uu qalabka ku dalban karo onleenka oo uu ku maamuli karo duritaanno. Lennes oo ka timi Leicester, waxa ay sheegtay in 'xanuun daran' ay dareentay. Waxaana ay kula talisay hablaha ka danbeeya in aanay sidaa samayn, haddii ay falaanna ay ka araadsadaan qof caafimaad ahaan tababaran. Iyada oo ku xidhan magaaladaada, xaddiga weynaysashsda, iyo duritaanka, ayaa haddana buuxinta dibnaha ayaa ku kici kara meel kasta $ 500 ilaa $ 1,000. Haddii aad ku nooshahay magaalo weyn sida New York ama Los Angeles, waxaad filan kartaa inaad bixiso ilaa $ 2,000. In kasta oo ay tani u ekaan karto qaali. Muddada ay sii jiri kartaa wuu kala duwanaan karaa isaga oo ku saleysan da'daada iyo xaddiga buuxinta, laakiin guud ahaan, buuxiyeyaasha dibnaha ayaa soconaya lix bilood illaa saddex sano ka hor intaadan u baahnayn in mar kale dib loo farsameeyo." https://www.bbc.com/somali/war-58381758 +health "Masten Wanjala: Dad garaacid ku dilay ninkii carruurta ""dhiiggooda cabi jiray""" "Dad badan oo ku nool Galbeedka Kenya ayaa isugu tagay oo dilay ninkii qirtay in uu carruurta dili jiray ka dibna dhiiggooda cabi jiray. Ninkaas ayaa laba maalmood ka hor ka baxsaday saldhig boolis oo ku yaalla Nairobi. Masten Wanjala, oo 20 sano jir ahaa, waxaa dabagalay dad ku nool magaalada Bungoma, isagoo ku dhuumanayay guri, ka dib garaacid ayey nafta uga qaadeen, sida ay sheegeen. Ka dib markii uu saldhigga ka baxsaday, booliska Kenya waxay billaabeen howlgal ballaaran oo lagu raadinayay ninkan qirtay in uu dilay 10 canug, shan sano gudahood. Wuxuu qirtay in mararka qaar uu dhulka ku jiidi jiray, dhiiggoodana cabi jiray. Waxaa la sheegay in uu dib ugu noqday guriga waalidiintiisa - kuwaas oo iska deyriyay ka dib markii dembiga uu galay - waxaana ceeji iyo garaacid ku dilay dadkii deriska oo bannaanka ku arkay, kuwaas oo u raacay illaa gurigii uu ku dhuumanayay, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah oo la hadlay wargeyska The Standard. Wuxuu isku deyay in aysan ka shakinin dadka deegaanka, wuxuuna ku dhuumanayay guri aan ka fogeyn midka waalidkiisa, sida uu wargeyska ka soo xigtay taliyaha booliska ee magaalada Bungoma. Waxaa loo maleynayaa in waalidkiisa ay garteen maydkiisa, balse afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in weli ay baarayaan si ay u xaqiijiyaan in Wanjala uu dhintay, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka ee Reuters. ""Ma garan karno sida ay ugu suuragashay in uu u kala safro Nairobi iyo illaa tuuladii uu ku dhashay,"" ayuu yiri Musyoki Mutungi. ""Dadka deegaanka oo aad u feejignaa ayaa marka hore gartay oo ka dibna u baxay in ay dilaan ka hor intaan boolisku ogaanin."" Wanjala wuxuu carruurta iskaga dhigi jiray tababare dhanka ciyaaraha ah, ka dib ayuu u kexeysan jiray meel cidlo ah oo uu ku dili jiray. Mararka qaar wuu afduuban jiray carruurta, wuxuuna waydiisan jiray madax-furasho. Ka dib markii la xiray bishii July, wuxuu booliska geeyay meelo kala duwan oo carruurta uu ku aasay, waxaana laga soo helay maydad dhowr ah. Dilka wuxuu ka geystay Nairobi, iyo qeybo ka mid ah Bariga iyo Galbeedka Kenya. Seddax askeri oo shaqada ku jiray markii uu ka baxsanayay xabsiga ayaa la horgeeyay maxkamad, waxaana looga shakisan yahay in ay ka caawiyeen baxsashada iyo in ay feejignaan la'aan ahaayeen. Booliska waxay sheegeen in maqnaashihiisa la dareemay subixii, xilligii toosinta maxaabiista. Farriimo badan oo Twitter-ka ay soo dhigtay Laanta Dembi Baarista Kenya, waxay ku sheegtay in ay ka shalayneyso in Wanjala uusan cadaaladda wajihin. Waxaa mid ka mid ah farriimaha ku xusan: ""Xeerka duurka oo ay fuliyeen dad careysan ayaa guuleystay"". Waxaa sare u sii kacaya dadka dalbanaya in taliyaha booliska Kenya uu is casilo ka dib baxsashada ninkaas oo lala yaabay." https://www.bbc.com/somali/war-58861179 +politics Kashmir: Ilhan Cumar oo xiisad horleh ka dhex qarxisay Hindiya iyo Pakistan "Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa booqasho ku tagtay gobolka Kashmir, qaybta ay Pakistan ka maamusho. Laakiin arrintan ayaa qabsatay warbaahinta kaddib markii ay cadho ka muujisay dowladda Hindiya. Mas'uuliyiinta dalka Hindiya ayaa cambaareeyay tallaabada ay qaaday Ilhaan Cumar. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Arindam Bagchi, ayaa arrintaas ku tilmaamay xad gudub ka dhan ah madaxbannaanida dhuleed ee Hindiya. Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee ANI, waxa uu afhayeenku yidhi: ""Waxay booqatay qayb ka mid ah Gobollada Jamu iyo Kashmir oo hadda ay si sharci darro ah ku haysato Pakistan. Siyaasi kasta oo ku dhaqmaya siyaasad gurracan wuu u fasaxan yahay balse tani waxay xad gudub ku tahay madaxbannaanideenna dhuleed."" Tan iyo markii uu soo baxay warka ku saabsan in Ilhaan Cumar ay booqanayso Kashmir, qaar ka mid ah shacabka reer Hindiya ayaa arrintaas walaac uga muujiyay baraha bulshada. Qof ka mid ah dadka ka fal celinayay ayaa yidhi: ""Siyaasiyiinta wax kala qaybiya ee sida Ilhaan Cumar ah waa in laga hor istaago inay tagaan meelaha xasaasiga ah ee Kashmir. Waxay kasoo hor jeeddaa Hindiya xaqna uma laha in ay xubin kasii ahaato Congress-ka Mareykanka."" Ilhan Cumar ayay dhawaan guul usoo hoyatay kaddib markii Congress-ka uu taageeray hindise sharciyeedkeeda ka dhanka ah fikradaha Islaam nacaybka. Bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay ayay soo bandhigtay hindisahaas oo markii uu soo ansixiyay Golaha Wakiillada sidoo kalena laga soo dhaweeyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka. Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in xorriyadda diinta ay tiir aasaasi ah u tahay xuquuqda aadanaha. Ujeeddada ay Ilhaan usoo bandhigtay hindisahan ayaa ah in la abuuro guddi khaas ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan la dagaallanka islaam nacaybka ka jira meelo ka mid ah caalamka. Inkastoo uu muddo bilooyin ah hindisahan la yaallay baarlamanaka, waxaa awood siiyay falal lid ku ah xuquuqda diimaha oo ka dhacay dunida, kuwaasoo horseeday in la dedejiyo ansixintiisa. Dabayaaqadii bishii November ee sanadkii aan kasoo gudubnay, waxaa soo shaac baxay muuqaal laga arkayo xildhibaanad ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, Lauren Bobert, oo Ilhaan ku eedeynaysay in ay ku jirto ""koox jihaad doon ah"" iyadoo ku tilmaantay argagixiso. Waxay sheegtay in ay amni dareentay mar ay Ilhaan lasoo racaday wiishka dhismaha Congress-ka, maadaama xilligaas ayasan wadanin boorsadeeda ay mar walba la dhex socoto golaha. Maalmo kaddib, xildhibaanad kale oo Aqalka ku matasha xisbiga Jamhuuriga, Marjorie Taylor Greene, ayaa Ilhaan Cumar ku tilmaantay ""Jihaad Doon"". Ilhaan ayaa markii dmabe sheegtay in ansixinta hindise sharciyeedkeeda ay guul way u tahay Muslimiinta ku nool dunida qaybaheeda kala duwan, uuna bannaanka soo dhigi doono ficillada Islaam nacaybka ah ee aan loo dulqaadan karin. Waxay intaas ku dartay: ""Inaad ka hor imaato nacaybka waxaad bartilmaameed ugu noqon kartaa weerarro, balse waa in aadan cabsanin. Aan adkaysanno."" Ilhan Cumar ayaa Pakistan ku tagtay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa shan maalmood. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Islamabad waxaa ku qaabilay Malik Mudassir Tipu, oo ah agaasimaha guud ee xafiiska arrimaha Pakistan u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Markii ay Pakistan tagtay waxa ay la kulantay Ra'iisul Wasaaraha dalkaas Shahbaz Sharif, Madaxweyne Arif Alvi iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda. Waxa ay sidoo kale durbadiiba la kulantay Ra'iisul Wasaarihii xilka laga qaaday ee waddankaas, Imran Khan. Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa BBC-da u sheegay in Ilhan Cumar ay Pakistan booqasho ku joogayso 20-ka ilaa 24-ka bishan April. Muddadaas gudaheeda waxay shirar kala duwan la yeelan doontaa madaxda dowladda iyo siyaasiyiin kale. Islamarkii ay Ilhaan gaadhay Pakistan waxa ay ka hadashay arrimaha xuquuqda aadanaha kaddib markii ay qabatay shir jaraa'id oo uu ku wehlinayay Madaxweynaha Qaybta ay Pakistan ka maamusho Kashmir, Sultan Mahmood Chaudhry. ""Rajadayda ku aaddan booqashadan waa in hadda kaddib ay jiri doonaan mowduucyo dheeri ah oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo caawinta dadka shaqadaas haya,"" ayay tidhi. Arrintaas waxaa soo hoos galaya xaaladda xuquuqda bani'aadannimo ee ka jirta gobolka Kashmir. Booqashada xildhibaanaddan ka tirsan Congress-ka Mareykanka waxay kusoo aadday xilli Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan iyo taageerayaashiisa ay xukuumadda Washington ku eedeeyeen in ay mas'uul ka tahay isbaddalka lagu sameeyay maamulka dowladda." https://www.bbc.com/somali/war-61178252 +health Sababaha keena dhalmo-la'aanta ragga Dhibaatada dhalmo la'aanta ee ku dhacda ragga qaar waxa ay walaac aad u wayn ku keentaa lamaaneyaasha isguursada waana mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ee keena furriinka. Guurka kaddib, ragga ay caqabaddaas caafimaad haysato xaasaskooda uma suurtagasho in ay uur yeeshaan. Dalalka qaar, lamaaneyaasha arrintan la kulma waxaa xitaa soo kala dhex gala shaki aad u wayn oo la xiriira gogol dhaaf. Qoysas kalena waxay go'aansadaan in ay korsadaan carruur ay dad kale dhaleen, si ay noloshooda guurka ugu badbaadiyaan. Mowduucan hadal-hayntiisu waxay mar walba ka dhex taagan tahay bulshada waddan walba. BBC-da ayaa la hadashay khubaro caafimaad si wax looga ogaado arrimaha sababa dhalmo la'aanta ragga iyo sida xal loogu heli karo. Dhalmo la'aanta ragga waa dhibaato haysata ugxaanta taranka, taasoo sababta in ninka xaaskiisa ay uur qaadi wayso. Sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, dhibaatadan caafimaad waxay haysataa malaayiin qof oo ku nool caalamka, kuwaasoo gaaray da'da dhalmada, waana arrin saamayn ku leh qoysaska iyo bulshooyinka. Warbixinta WHO waxaa lagu sheegay in qiyaastii 48 ilaa 186 milyan oo lamaane ay la dhibaatoonayaan caqabadda dhalmo-la'aanta. Waxay hay'addu intaas ku dartay in ragga qaar aysan waligood dhalin qaarkoodna ay ugxaantoodu marna shaqayso marna shaqaynin. Dr Adebayo Bamisebi, oo ah dhaqtar ku takhasusay cilmiga la xiriira taranka ragga ayaa BBC-da u sheegay sababaha ugu waawayn ee keena dhalmo-la'aanta ragga ay yihiin xowliga soo bixitaanka biyaha oo yar, xaddigooda oo yar iyo in uu jiro xanuun dhaawac u gaystay shahwada. Dhaqtarka ayaa sheegay in haddii lamaanaha ay gogosha wadaagaan muddo lix bilood ah ama hal sano intaasna uu uur ku imaan waayo ay tahay calaamad muujinaya in labadooda mid uu dhib hasyto. Dr Bamisebi ayaa intaas ku daray in haddii baaritaannada la sameeyo ay muujiyaan in tirada unugyada shahwada ay ka yar yihiin 15 milyan ay taas caddaynayso in ninka xagiisa uu ka jiro dhibka. Dr Bamisebi ayaa sheegay in la-tacaalidda dhalmo-la'aanta ragga ay ku kala duwan tahay marba waxa ay sababta tahay, xalkuna uu yahay mid ku salaysan cilmi baaris. Waxa uu qabiirkan sheegay in dhakhtarka bukaanka la kulma uu ogaanayo sababta rasmiga ah kaddibna dhibaatada xallinteeda sidaas ku wajahayo. Dr Bamisebi ayaa sheegay in cilladda dhalmo-la'aanta ragga ay mararka qaar sababi karto qalliin iyo habab kale oo loo adeegsado daawooyin. Ragga dhibaatadan caafimaad qaba ayuu kula taliyay in ay iska ilaaliyaan qaadidda waxyaabo aad u culus iyo in ay ku dadaalaan cunista raashin nafaqo leh oo horumarinaya awooddooda dhalmada. Sidoo kale, waxa uu ku boorriyay in raashinka ay cunayaan ay noqdaan kuwo laga heli karo maaddooyinka Vitamin C, Vitamin D iyo Zinc, kuwaas oo xoojiya tirada shahwada ragga. https://www.bbc.com/somali/articles/czr3k7yvplyo +religion Waayaha Muslimad dharka xayeysiisa oo aan walaac ka qabin """Aniga ujeedadaydu waa asturnaan. Maadaama oo aan Muslimad ahay na asturnaantu wax weyn bay ila tahay waxaanan doonayey uun in aan cid walba u muujiyo in aad adiga oo asturan hadana noqon karto qof dharka xayeysiisa, sababta oo ah xijaabku, ka sokow inuu yahay sharci Islaam, hadana sidiisaba waa qurux."" Sidaa waxa tidhi Ikraam. Ikraam Cabdi Cumar waa gabadhii ugu horraysay ee Ingiriis ah ee iyada oo xidhan xijaab sawirkeedu ku soo baxay bogga hore ee majallada Vogue ee ka waranta quruxda iyo agabka is qurxinta, waxaanay markaa ahayd 21 jir waxaanay sidoo kale noqotay shakhsiyaddii sannadka 2019 ee shirkadda dharka iibisa ee Burberry dhar u xayeysiisa. Xaliima Aadan maxay xijaab ugu xirataa xayeysiinta dharka? Muxuu yahay khaladka laga cadhooday ee ay fannaanaddani ka gashay diinta Islaamka? Waa Soomaaliyad reer Sweden ah oo haatan 23 jir ah oo ku nool Bristol, waxaanay sheegtay in dhaqankeeda iyo diinteedu ay sabab u ahaayeen in ay ku shaqayso xirfadda dhar xayeysiinta. ""Waxaan jeclahay sida qof kastaa si isaga u gooni ah u cabbiri karo dareenkiisa ee ay ugu suurto geli karto inuu fariin ku gudbiyo lebbiska oo keliya."" ""Xijaabka qudhiisa ayaaba ah wax aniga aad iigu weyn oo wuxuu astaan u yahay asturaadda iyo quruxda, wuxuu muujiyaa kalsoonida waxaanu i xasuusiyaa in aan leeyahay ikhtiyaar aan ku dooran karo sida aan doono ee aan u labisan karo. Dhanka diinta marka laga eegana, waxaan dareemaa in aan Alle u dhowahay oo aan aad ugu xidhanahay Islaamka marka aan xijaabanahay, arintaasina sannadahan oo dhan way i sii biyo dhigaysay"" ayay tidhi. Markay u sheegtay eheladeeda sannadkii 2018 in ay joojinayso waxbrashadeedii jaamacadeed ee ay shahaado ku qaadan lahayd cilmiga samaynta dawooyinka oo ay u baydhasyo xirfadda dhar xayeysiinta waxa kaga soo noqday dareeno kala duwan. Nin dharka xayeysiin jiray oo Uighur ah ayaa muuqaal dhif ah ka soo diray xabsi Shiinaha ah dhexdiisa Waxay tidhi ""waxaan dareemayaa in marka ayeeyooyinka iyo awooweyaashu ay maqlaan erayga dhar xayeysiisn, in markaaba ay maankooda ku soo dhacayso xirfad aan asturnaan lahayn oo ay walaacaan. Laakiin marka loo faahfaahiyo in ay jirto xirfad dhar xayeysiin ah oo qofku asturan yahay way fahmaan, haatan way ka warqabaan in ay jirto oo waxay arkeen sawirro walaacii ka biiyey."" Aabaheed Cabdi Cumar wuu doonayey in ay dhamaysato kooraskii ay baranaysay ee ay ka dhiganaysa jaamacadda West of England, hase yeeshee dookheeda wuu ku taageeray. ""Waxaan qabaa hadii aanay ka tanaasulayn diinteeda ay rumaysan tahay in aanay arintaa [dhar xayeysiintu] wax dhib ah lahayn."" ""Waxa jiray dad badan oo bulshada Soomaalida ka mid ah oo xirfadda ay dooratay Ikraam su'aalo ka keenay, laakiin waanu u sharaxnay. Marka aan dib u eego sooyaalka hidahayaga, jiilalka waaweyni ma aqbali karaan wax kasta oo la xidhiidha xirfadda dhar xayeysiinta ama in ay haweenku caan baxaan laakiin waxa muhiim ah in wax la laga dhaadhiciyo oo loo iftiimiyo in hadii aanad ka tagayn dhaqankaaga iyo waxa aad aaminsantahay ay bulshada reer Galbeedku kugu ixtiraamayaan"" ayuu intaa ku daray. Maadaama oo ay ka mid tahay hablahii ugu horreeyey ee iyaga oo xijaaban dharka xayeysiiya, Ikraam waxay illin u furaysaa dumarka Muslimiinta ah ee ku biiri kara xirafadda dhar xayeysiinta. Waxay dhar u xayeysiisay shirkadaha ay ka midka yihiin Roland Mouret, Tommy Hilfiger, Molly Goddard, Iceberg, Richard Quinn, Juicy Courture iyo kuwo kale oo badan. Bishii Noofember 2019 waxay ka qayb gashay olole shirkadda Burberry ay wadday oo lagu qaadayey sawirro muujinaya hooyonimada. ""Maamuus bay ii ahayd in ay ii suurto gasho in aan soo bandhigo sawirro aan ku tilmaamayo hooyonimo oo dhiirri gelin iyo hogaamin ba u ah ubadka."" ""Hooyaday ayaa i waanisa oo la sheekaysigeeduna wuxuu ii sahlaa in aan ku faro adaygo iimaankayga"" ayay tidhi. Hooyadeed waa Khadra Cige oo 50 jir ah waxaanay tidhi ""markay koraysay Ikraam qof hibo leh ayay ahayd oo waxay jeclayd in ay heesto oo ciyaarto. Kolkaanu Sweden deganayn ee ay ku jirtay dugsiga xaddaanada ayaa macalimeenteedu mar i weydiiyeen in aan ogolahay in ay filim metesho iyo in kale, waan diiday oo maan doonayn in ay dhex gasho jilidda filimada oo ay dhaqankeeda iyo diinteeda ka xuub siibato."" Gabadha Soomaaliyadda ah ee dharka xayeysiisa ee Iimaan iyo Naomi Campbell ayaa Ikraam u ahaa horseed ay ku dayato. Ikraam waxay ku dhalatay magaalada Stockholm waxaanay Bristol u guureen 2004. Xirfadeeda dhar xayeysiintu waxay bilaabantay xagaagii 2018 markaas oo soo saare ka tirsan Premier Models ku arkay suuqa laga tukaamaysto ee Cabot Circus ee Bristol ku yaal. Shirkaddaasi waxay sidoo kale wakiil u tahay Naomi Campbell. Waxay Ikraam sheegtay in aanay ilaa haatan wax caqabada ah kala kulmin xirfaddan ay ku jirto oo la xidhiidha dhaqankeeda iyo diinteeda toona. Heshiisyada ay shirkadaha la saxeexanayso waxay Ikraam ku dartaa qodobo iyada u gaar ah oo u suurto geliya in aan la faro gelin diinteeda iyo iimaankeeda. Ikraam aabaheed wuxu ku dhashay Djibouti, waxaanu dalka Ingiriiska tagay 2004 in kasta oo uu muddo ku noolaa Sweden. Wuu ku hanweyn yahay ""xidhiidhka adag"" ee isaga iyo inantiisa ka dhaxeeya. ""Weligeed way jeclayd fanka, nashqadaha xinnaha loo marsado ayay xariifad ku ahayd iyadoo shan jir ah, waxay jeclayd lebiska iyo xarragada iyo sawir qaadista"" ayuu yidhi. Sidaas oo ay tahayna wuu ku taageersan yahay xirfadda shaqo ee ay dooratay. ""Kolka labada waalid ba tacliin leeyihiin badanaa way maskax furan yihiin oo waxay ubadkooda uga waramayaan waayihii nololeed ee ay soo mareen. In aad Muslim tahay waxay leedahay macno qoto dheer in kasta oo dhar xayeysiintu aanay ahayn wax dhaqankayaga ku jiray hadna mar haddaan ahay aabaheed wax shaki ah kama qabo iyada waayo waxa jira xad aan laga tallaabi karin"" ayuu yidhi. ""Waxaan baray in ay nafteeda jeclaato sababta oo ah hadii qofku naftiisa jeclaado wuu is ilaaliyaa oo qudhiisa tixgelin siiyaa inta aanu qof kaleba ka filan. Waana seeskaa ka aan nolosheeda ilaa caruurnimadii ku dhisnay."" ""Waxaad ilmahaaga uga sheekaysaa oo aad la wadaagi kartaa waayihii nololeed ee aad soo martay si aad u fahamsiiso cawaaqibka ka dhalanaya iyo sababta aad ugu diidantahay waxyaabaha aanad ogolayn in ay sameeyaan. Is fahamku labada dhinac ba muhiimad weyn buu u leeyahay"" ayuu ku soo gabogabeeyey." https://www.bbc.com/somali/55461399 +business Waayeelkii caanka noqday ee dhaqaalaha ka sameeya Youtube "Arumugam oo ah 60 jir u dhashay dalka Hindiya wuxuu caan ka noqday dalkaas iyo guud ahaan caalamka. Waa awoowe kusoo caan baxay karinta cuntooyiinka kala duwan, kuwaas oo muqaal laga duubo, ka dibna la soo dhigo baraha bulshada. Wuxuu kasbaday quluubta malaayiin qof, kuwaas oo ku taxan cinwaanka uu ku leeyahay YouTube-ka. Muuqaalada laga duubo cuntooyinka uu kariyo waxaa YouTube ka daawata malaayin qof, kuwaas oo aad uga hela raashiinka uu kariyo iyo qaabka uu u kariyo. Raashiinka uu kariyo oo u badan cuntooyiinka dhaqanka ee Hindiya ayaa ah kuwa uu si wanaagsan u kariyo, wuxuuna ku kariyaa meel bannaan ah. Shaqada uu qabto waxaa aqoonsatay shirkadda YouTube waxayna siisay abaalmarino kal duwan. Kahor inta uusan bilaabin muuqaallada YouTube-ka uu soo geliyo wuxuu ka soo shaqeeyay meelo kala duwan. ""Waxaan shaqooyin yaryar ka soo qabtay meelo kale oo dalka Hindiya, waxaan sidoo kale ka soo shaqeeyay ganacsiyo kala duwan oo ku yaala Delhi, Mumbai iyo Kolkata. Waxaan maqaaxi yar ku karin jiray tuulada aan ka soo jeedo oo ku tala gobolka Tamil Nadu, inkastoo markii dambe ay iga soo xirantay "", ayuu yiri. Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Gopinath ayaa sheegay in aabihii uu waligiiba yaqaanay cunta karinta, balse laba sano kahor uu isaga ku dhiirageliyay in muuqaal laga duubo, si loo soo dhigo baraha bulshada, dadkuna ay u daawadaan. Dhaqaalaha uu ka sameeyo Youtube-ka Ninkan 60 sano jirka ah wuxuu sheegay in shaqadiisii xilligaas oo ahayd rinji marinta guryaha uu iska dhaafay ka dib hadalkii wiilkiisa. ""Wiilkeyga ayaa igu yiri iska dhaaf shaqada rinji marinta guryaha, oo aan kaa sameyno muuqaal cunta karinta, balse anigu markii koowaad waan diiday, ugu dambeynna waan aqbalay; bishii koobaad waxaan sameynay shan muuqaal oo aan soo dhignay YouTube-ka, waxaana ka helnay lacag gaareysa $100 dolar, waxaana is iri- waa lacag yar marka loo eego shaqada culus "", ayuu raaciyay. Waxaa kale oo uu sheegay in bishii xigtay uu muuqaalada cunta karinta ka helay dhaqaale dhan $560 doolar oo ""ka fiicneyd bishii hore"", balse bishii saddexadana wuxuu ka helay $1,000 doolar. Gopintah oo ah wiilka odaygan ayaa isna BBC-da u sheegay in muuqaalada cunta karinta ee aabihii ay caan ka noqdeen guud ahaan dalka Hindiya. ""Aniga, xaskeyga, hooyadey iyo aabahay dhamaanteen waan wada garaneynaa cunta karinta, marka waxaan u arkay in YouTube-ka uu yahay halka ugu wanaagsan ee aan kusoo bandhigi karno xirfadeena cunta karinta, waxaana hubinay in waxa aan soo gelineybo uu yahay wax wanaagsan, si dadka uu usoo jiito, waana taas sababta aan usoo jiidanay dad badan "", ayuu yiri Gopinath. Arumugam ayaa marka uu kariyo cuntada wuxuu sheegay in uu u qeybiyo dadka danyarta ah, si uu uga farxiyo. Odaygan ayaa hadda dhaqaale badan bil walba ka sameeya muuqaallada cunta karinta ee la soo dhigo YouTube-ka, wuxuuna intaa raaciyay in shaqooyiin badan uu horay usoo qabtay, balse haatan uu caan ku noqday cunta karinta, wiilkiisana uu sabab u yahay. Dad badan oo daafaha caalamka ku kala nool ayaa lacag badan ka sameeya muuqaallada kala duwan ee ay soo bandhigaan YouTube-ka. Dhaqaalahaas oo hadba ku xiran sida loo daawada muuqaallada, waxaa adag in la arko dadka da'da ah oo sameynaya shaqooyiinka noocan oo kale." https://www.bbc.com/somali/war-50231031 +sports Paul Pogba iyo Amad Diallo oo faraaha keenay taageerada u hayaan Falastiin "Waxaa aad loo hadal hayaa labo ciyartooy oo ka tirsan kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Manchester United oo calanka Falastiin kusoo bandhigay garoonka kooxdaas ee Old Trafford kadib xaley 1-1 ay kusoo idlaatay ciyaar kala dhexeeysay kooxda Fulham. Paul Pogba iyo Amad Diallo ayaa la arkayay iyago lulaya calanka Falastiin xilli ay ku sugnaayeen garoonka, waxay tageero u muujinayeen Falastiin. Waxay u muuqdeen in taageerayaasha kooxda ay u dhiibeen calanka Falastiin. Maamulaha kooxda Manchester Ole Gunnar Solskjaer ayaa difaacay ciyartoydiisa taageerada u muujiyay Falastiin isla markaana sheegay in kooxda ay qaddarineyso fikirka qofka. ""Waxaan leenahay ciyaartooy meelo kala duwan kasoo kala jeedo oo leh dhaqamo kala duwan, dalal kala duwan kasoo kala jeedo, waa in lagu tixgeliyo ra'yigooda"" ayuu yiri maamulaha kooxda Manchester. Wuxuu intaas ku daray, ""Haddii ciyaartoydeyda ay ka fakarayaan wax ka baxsan ciyaaraha, waa arrin wanaagsan"" Waxaa tallaabadan soo dhaweeyay safiirka Falastiin u fadhiya magaalada London. Wuxuu uga mahad celiyay ciyaartoyda taageerada ay u muujiyeen Falastiin. Dhawaan ayay aheyd markii ciyaartooy ka dheela kooxaha Arsenal iyo Ajax ay dhaleeceyn kala kulmeen tageerayaashooda, kadib markii ay taageereen Falastiin. Ciyaartoydaas waxaa kamid ahaa Maxmed El-Niny oo u dheela Arsenal, saddex ciyaartooy oo kasoo jeedo Morocco oo u dheela kooxda Ajax, ee kala ah Naseer Mazraoui, Usama Al Idrissi iyo Zakariya Labeyd. Sidoo kale habeenkii Axadda aheyd Wesley Fofana iyo Hamza Choudhury oo u dheela kooxda Leicester, ayaa la arkayay iyagoo sita calanka Falastiin, si ay taageero ugu muujiyaan shacabka Falastiiniyiinta. Madaxa xafiiska diblomaasiyadda Falastiin ee London, ayaa warqad mahad celin ah u qoray labo ciyaaryahan oo calanka Falastiin ka dhex lulay garoon kubadda cagta ah, iyagoo u dabaal degayay guushii FA cub-ka ay ka gaareen kooxda Leicester ee ka dhisan Ingiriiska. Husam Zomlot ayaa sheegay in taageerada ay muujiyeen Wesley Fofana iyo Hamza Choudhury, ay ahayd mid aad loogaga diirsadey dhulka Falastiin oo dhan. London waxaa habeenkii Axadda ka dhacday ciyaar xiiso leh oo lagu soo gaba gabeynayay koobka FA cup-ka. Ciyaarta waxaa ku badiyey 1-0 Liecester oo markii ugu horeysay qaaday koobka FA-ga." https://www.bbc.com/somali/war-57170376 +health Coronavirus: Haweeney sheegtay in Covid-19 uu nafteeda badbaadiyay "Haweeney ayaa sheegtay inay ka faa'iidday cudurka coronavirus oo ku dhacay, uuna nafteeda badbaadiyay, kaddib markii dhakhaatiirtii Covid-ka ay ogaadeen inay xanuun ku dhaca wadnaha oo halis ah. Angela Schlegel waxaa isbitaalka la dhigay 11 maalmood kaddib markii ay kasoo muuqdeen calaamadaha coronavirus. Xaaladdeeda wadna xanuunka - oo dhakhaatiirtu ay sheegeen inay u dhiman kartay - waxaa la ogaaday markii la geeyay qeybta daryeelka gaarka ah ee loo yaqaanno ICU-da, ee isbitaalka Royal Brompton, oo ku yaalla magaalada London. Gabadhan 36 jirka ah waxay tiri: ""Aad baan u argagaxay markii la ii sheegay in wadnaheyga uusan u shaqeyneynin sidii loo baahnaa."" Waxaa horay loo geeyay isbitaallada Chelsea iyo Westminster, 22-kii March, halkaasoo baaritaannadii lagu sameeyay ay muujiyeen cilladda sambabadeeda iyo wadnaheeda. Waxaa durbadiiba loo gudbiyay isbitaalka weyn ee Royal Brompton, waxaana loo billaabay dawooyinka ku haboon xanuunnadeeda halista ah. Cudurka la ogaaday inay qabto - oo dhif ugu dhaca dadka - ayaa sababi kara inay waxyeello burbur ah gaarto unugyada jirka, wadnaha, sambabbada, kalagoysyada iyo neerfayaasha. Ms Schlegel waxay sheegtay inay muddo 2 sano ah dhakhaatiirta ugu tageysay xanuunka neefta oo ay qabtay, ""laakiin waligeed aysan ka warhelin xaaladda khatarta ah ee uu ku sugnaa wadnaheeda"". ""Haddii xanuunka aan qabay aan dhakhso la iga daaweyn lahayd waxaan qarna u saarnaa inaan dhinto,"" ayey tiri. ""Coronavirus ayaa igu abuurayay walwal badan iyo naxdin, wadnaheygana wuxuu dareemayay cadaadis badan, sidaas darteedna dhakhaatiirtu waxay ii sheegeen inuu sii xoojiyay xanuunkii jirkeyga ku qarsanaa. ""Wuxuu badbaadiyay nolosheyda dambe, laakiin hadda coronavirus wuxuu ku dhawaaday inuu i dilo."" Ms Schlegel, oo shan isbuuc ku jirtay isbitaalka, waxay howl-wadeennada laanta adeegga caafimaadka ee NHS ku tilmaantay ""mid aad u wanaagsan"", maadaama ay ku dadaaleen badbaadinteeda. Mid ka mid ah dhakhaatiirtii ay la kulantay, oo lagu magacaabo Dr Pugan Patel, ayaa BBC-da u sheegay in caafimaadka ay heshay Ms Schlegel uu ""saameyn aad u ballaaran"" ku yeeshay niyadda shaqaalaha caafimaadka. ""Marka aad aragto bukaan lugihiisa ku istaagay oo dhoollacaddeynaya saameyn weyn ayey kugu yeelaneysaa,"" ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/war-52540819 +politics Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya: Heerka ay gaarsiisan tahay cabsida laga qabo in dagaal uu ka dhaco xuduudda "Maamulka gobolka Mandheera ee Kenya ayaa sheegay in ay wadnaha farta kaga hayaan dhaqdhaqaaqa militari ee ka jira soohinda Kenya iyo Soomaaliya. Waxay maamulku sheegeen in arintaasi ay walaac ku hayso oo hadii aan xal loo helin ay saamayn weyn ku yeelan doonto shacabka gobolkaa ku nool. Arintan waxay imanaysaa iyada oo maalmahan ay isa soo tarayso xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa labada dal, oo xiriirkoodu uu hadda kala go'an yahay. Badhasaab ku xigeenka Mandheera, Maxamed Axmed Carraay, oo u waramay oo BBC-da, wuxuu sheegay in maalmahaanba ay jirtay cabsi la xiriirta khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. ""Waxaad arkeysaa dadka Mandheera oo ku dhahaya xaaladda amniga maalmahaan wuu sii adkaaday, dhaq-dhaqaaq badanna waa la dareemaya, xitaa dadka Baledxaawo, iyagana way dareemayaan dhaqdhaqaas,mrka cabsida labada dhinacba wey ka jirtaa,"" ayuu yiri Badhasaab Maxamed Axmed. Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii ay xasaraddaan sii jirto uu barakac badan iman doono, balse waxa uu yiri ""Alle ayaan ka baryeyna in ay arrinta ay halkaas gaarin"" oo madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Kenyatta isku noqdaan oo ay khilaafkan xal ka gaaran. ""Arrintan muddo ayay soo jiitameysay, mas'uuliyiinta Waqooyi Bari na wakhti badan wey kala hadleen dowladda dhexe, balse waxa natiijo ah oo ka soo baxay ma jiraan oo arrinta meesheedii ayay taagantahay, wax isbadal ma jiraan,"" ayuu yiri mar uu ka hadlayay xasaradda muddada ka taagan Mandheera. ""Waxa loo baahanyahay in Kenya iyo Soomaaliya madaxdooda sare-sare ay wada fariistaan oo ay khilafkooda wadahadal ku dhameeystaan."" Iyadoo ay cabsidaan taagantahay ayuu wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), oo BBC-da la hadlay beeniyay in jabhad uu ka abaabulayo xudduudda Kenya iyo Soomaaliya isla markaana aysan waxba ka quseyn go'aanka dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay Kenya. Hadalka Janan ayaa yimid kaddib markii dowladda Soomaaliya ay dhiggeeda Kenya ku eedeysay in abaabul milatari ay maalmahan ka waddo aagga Mandera, iyada oo adeegsanayso Cabdirashiid Janan. Qoraal lagu baahiyay Telefishinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay si dhaw ula socoto abaabul militari ee ay dowladda Kenya maalmahan ka wadday aagga Mandera. Waxay sidoo kale dowladda Soomaaliya sheegtay inay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dhiggeeda Kenya oo ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa mar walba waxa ay ku adkaysanaysay inaysan wax farogelin ah ku hayn arrimaha Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo BBC-da la hadlay ayaa wasiirka amniga Jubaland ku eedeeyay in uu Jabhad ka abaabulayo gudaha Kenya. Balse Cabdirashiid Janan ayaa arrintaasi ku gacan seyray waxa uuna sheegay in isaga iyo ciidankiisu ay joogaan duleedka magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo isla markaana uu halkaasi u joogo sidii uu u difaaci lahaa danta dadka danyarta ah ee uu sheegay in gobolka Gedo ay dowladda federaalka ah ku dhibaataynayso." https://www.bbc.com/somali/war-55383590 +politics Trump: Ilhaan waxay Mareykanka la damacsan tahay fowdo sida Soomaaliya oo kale "Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo cusbooneysiiyay weeraradiisa ka dhanka ahaa Ilhaan Cumar oo ka tirsan koongareeska Mareykanka isagoo taageerayaashiisa u sheegay in haweeneydan ay dooneysa inay Mareykanka ka dhigta ""sida dalka ay ka soo jeeda ee Soomaaliya oo kale"" Trump ayaa hadalkan ka jeediyay isku soo bax siyaasadeed oo uu Sabtidii ku qabtay gobolka Oklahoma kaasoo ah kii ugu horreeyay ee uu qabta tan iyo markii uu dillaacay xannuunka covid19 bishii March. Madaxweynaha Mareykanka ayaa magaca Ilhaan si khaldan ugu dhawaaqay isagoo yiri ""Eel-ann"" iyadoo ay u sacbinayeen taageerayaal aan badnayn oo u soo soo baxay dhageysiga khudbadiisa. Waxa uu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay inay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleysta doorashada dhici doonto bisha Nofeembar. ""Waxay jeclaan lahayd inay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale- Soomaaliya. Dowlad la'aan, amni la'aan, boolis la'aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa inay noo sheegta sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay"", ayuu yiri Trump. Trump ayaa mar uu booqasho ku tagay Minnesota sannadkii la soo dhaafay waxa uu ku canaantay dadweynaha gobolkasi sababta ay wali raalli uga yihiin inay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar. ""Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee la yiraahdo Ilhaan Cumar waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11 ee lagu soo qaaday waddankeenna, sided ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota, aniga aad baan idiinka careysanahay dadkiinnan hadda"", ayuu yiri Trump. Hadalkan u dambeeyay ee Trump ayaa si weyn loo cambaareeyay. Qaar ka mid ah dadka wax ku qora baraha bulshada ayaa ku tilmaamay inay tahay khalad in Trump uu weerar ku qaada Ilhaan oo tacsi ku jirta kadib geerida aabaheed oo afar maalmood ka hor u geeriyooday xannuunka covid19. Qaar kale ayaa xusay in Ilaah ay tahay muwaadin Ameerikaan ah islamarakana aysan habbooneyn in Trump uu la xiriiriya dal ay ka soo qaxday iyadoo yar. Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay in Trump uu ""ku guuldarreystay inuu dalka maamulo"" iyadoo tusaale u soo qaadatay in 100,000 oo qof ay u dhinteen covid19, 40 milyan oo qofna ay shaqadoodii waayeen, guud ahaan dalkana ay ka socdaan dibadbaxyo. Trump oo Ilhaan Cumar ku weeraray saldhiggeeda Dagaalka Ilhaan iyo Trump: Ilhaan Cumar oo ka shaqeyneysa hindise sharciyeed u daneynaya Soomaaliya Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump?" https://www.bbc.com/somali/war-53128019 +politics Dagaalka Ukraine: Mareykanka oo shaaciyay go'aankiisa ku aaddan haddii Shiinaha uu garab siiyo Ruushka "Shiinaha waxa uu wajihi doonaa cawaaqib haddii uu Ruushka ku caawiyo sidii uu uga badbaadi lahaa cunaqabateynta loogu soo rogay weerarka uu ku qaaday Ukraine awgiis, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka. Saraakiil Mareykan ah oo aan magacooda la shaacinin ayaa warbaahin kala duwan u sheegay in Shiinaha uu muujiyay inuu diyaar u yahay sidii uu garab militeri u siin lahaa Ruushka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa ku eedeysay Mareykanka in uu fidinayo warar marin habaabin ah. Ruushka ayaa isagana dhankiisa beeniyay in uu kaalmo militeri ka codsaday Shiinaha. Hadalladan la isdhaafsaday ayaa yimid ka hor inta aysan kulan yeelanin saraakiil ka kala socday Mareykanka iyo Shiinaha, oo isku arkay magaalada Rome. Warbaahinta qaar, oo soo xiganayay saraakiil ka tirsan xukuumadda Washington, ayaa tabiyay in Ruushka uu maalmihii lasoo dhaafay gudahooda ka codsaday Shiinaha in uu usoo diro qalab militeri, oo ay ka mid yihiin diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee loo yaqaanno drones-ka. Maalintii Isniinta Mareykanku waxa uu xulafadiisa u sheegay digniin ah in Shiinaha ay muujiyeen inay u furan yihiin tallaabo kasta oo ay garab militeri iyo mid dhaqaale ku bixinayaan, sida ay warbaahintu shaaciyeen. Warkan ayaa yimid xilli uu La-taliyaha dhinaca amniga qaranka ee madaxweynaha Mareykanka, Jake Sullivan, kulan la yeelanayay diblomaasiga ugu sarreeya dowladda Shiinaha, Yang Jiechi, kaasoo ay wadahadal ku yeesheen magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. ""Mr Sullivan waxa uu soo bandhigay arrimo dhowr ah oo ku sabasan xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha, waxa uuna si adag uga hadlay dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine,"" ayuu lagu yidhi qoraal kasoo baxay shirka. ""Waxa ay sidoo kale hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in mar kasta ay waddada u furnaato wada hadallo furan oo dhex mara Mareykanka iyo Shiinaha."" Wareysi uu goor sii horreysay Mr Sullivan siiyay telefishinka CNN-ka ayuu ku sheegay in ""Mareykanku uu xiriir toos ah oo qarsoon la sameynayay xukuumadda Beijing, isagoo u sheegayay in cawaaqib aad u xun oo cunaqabateyn baaxad weyn ah ka dhalan doono haddii ay Shiinaha isku dyaaan in ay Ruushka ku caawiyaan xaaladda"". ""Ma oggolaan doonno in hal waddan xitaa, meel kasta oo uu dunida uga yaallo, uu sameeyo wax Ruushka ka badbaadinaya cunaqabateynnada dhaqaale,"" ayuu yidhi. Waxa uu intaas ku daray in Mareykanku uu aaminsan yahay in Shiinaha uu ka war qabay in hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ""uu qorsheynayay wax"" ka hor inta uusan dhicin dagaalka, balse Beijing ""aysan si buuxda u fahmin heerka uu gaarsiisan yahay waxaas"". ""Sababtoo ah waxaa aad macquul u ah in [Mr] Putin uu been u sheegay iyaga si la mid ah sida uu beenta ugu sheegay Yurub iyo kuwa kaleba"", ayuu yidhi Mr Sullivan. Shiinaha oo taas ka jawaabaya, af hayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Beijing, Zhao Lijian, ayaa sheegay in Mareykanku ""uu faafinayay warar marin habaabin ah oo uu ku bartilmaameedsanayo Shiinaha oo ku saabsan arrinta Ukraine, isagoo ujeeddo gurracan ka leh"". Mar la weydiiyay inuu kala caddeeyo in Shiinaha uu codsi caawinaad militeri ah ka helay Ruushka, ayuu Mr Zhao sheegay in waxaas uu ahaa ""war been abuur ah"" balse si toos ah uma uusan beeninin. Waxa uu intaas ku daray in mowqifka Shiinaha uu mar walba cad yahay, ayna door ka ciyaarayaan sidii loo xoojin lahaa wadahadallada nabadeed. Afhayeenka madaxweyne Putin, Dmitry Peskov ayaa sheegay in wararka ku saabsan inuu Ruushka codsi kaalmo militeri ah u dirsaday Shiinaha uusan run ahayn. ""Ruushku wuxuu heystaa awooddiisa madaxa bannaan oo ku filan inuu sii wado howlgalka. Sida aan horay u sheegnay, wuxuu ku socdaa sidii qorshuhu ahaa, waana lagu dhammeystiri doonaa waqtiga loogu talo galay,"" ayuu yidhi. Shiinaha ayaa ilaa hadda ka biyo diidsan inuu cambaareeyo weerarka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, waxaana uu sheegay in ""Walaacyada saxda ah ee Moacow ay ka qabto amnigeeda"" ay khasab tahay in si dhab ah loo aamino. Markii uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay u codeynayay in la cambaareeyo Weerarka Ruushka, horaantii bishan, Shiinaha waxa uu ka mid ahaa 35 waddan oo ka aamusay codeynta. Balse Beijing ayaa isla waqtigaas ""taageero aan la dafiri karin"" u muujisay madaxbannaanida Ukraine. Waxa ay sidoo kale ku baaqday in nabad la qaato, dhankeedana ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato in xalka lagu raadiyo qaab diblomaasiyadeed. Dalal badan ayaase Shiinaha ku boorriyay inuu dadaal intaas ka badan ku bixiyo sidii uu Ruushka u joojin lahaa dagaalka. Midowga Yurub iyo Mareykanka waxay garab taagan yihiin Ukraine, Shiinahana wuxuu caawinayaa Ruushka; haddii ay arrintu sidaas noqoto, markaas waxaa hubaal ah in dagaalka Ukraine ay ka dhalan doonaan cawaaqib ka xun inta uu hadda yahay. Aqalka Cad waxa uu go'aansaday inuu bannanaka soo dhigo sheegashadiisa ku aaddan arrintan isla waqtigii uu La'taliyaha sare ee dhinaca amniga u qaabilsan Madaxweyne Biden la kulmayay diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha. Waxay u muuqataa in tallaabadaas ay ahayd mid looga gol leeyahay in Shiinaha cadaadis loogu saaro inuu warka soo baxay xaqiijiyo ama beeniyo. Ujeeddada taas kasii weyn waxay noqon kartaa isku day lagu cabirayo heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka ka dhaxeeya Xi Jinping iyo Moscow, oo isbuucii lasoo dhaafay lagu tilmaamay ""mid sida dhagaxa u adag"". Waxaa xusid mudan in hal isbuuc uun ka hor ay ahayd markii ay furmeen ciyaarihii Xagaaga ee Beijing, markaasoo madaxweyne Xi iyo Putin ay ku dhawaaqeen in isbahaysigooda uu yahay ""mid aan xad lahayn"". Waxaa iska cad in caawinaad militerina ay qayb ka noqon karto taas. Balse maalmihii uu billowday dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, Shiinaha waxa uu ku cambaareeyay UK, Mareykanka iyo waddamo kalena inay hub siinayaan militeriga Ukraine, isagoo sheegay in ay ""baasiin ku darayaan dabka holcaya"". Haddii malaha sirdoonka Mareykanka uu dhab yahay oo Beijing ay fulineyso codsiga uga yimid Ruushka, markaas taas xitaa waxay noqon doontaa ""in dabka lagu daro baasiin""." https://www.bbc.com/somali/war-60746355 +health Sidee aabahaa oo dhegaha la’ ugu sheegi lahayd in uu dhimanayo? "Markii Farncesca Bussey aabaheed oo dhegaha la' la dhigay isbitaalka sanadkii 2019-kii, waxay ku qasbanaaday in ay joojiyo hawl kasta oo ay haysay si ay luuqada meedaarta ugu kala turjumo dhaqaatiirta iyo aabihiis. Balse waxay ugu darnayd markii iyada oo sariirta aabihiis dhinac fadhiya uu dhaqtarkii yimid, wuxuuna siday war naxdin leh. ""Marka aabahay uu roonyahay, wuxuu akhrisan karaa dadka faruuryahooda, balse hadda wuxuu gaaray xitaa aragiisa waa daciif"" ayay tiri gabadhani oo sheegtay in adeeg turjumaad oo rasmi ah ay weysay. Waxay ku qasbanaatay in ay aabaheed u sheegto wixii dhaqtarka uu u sheegayay oo ahayd in uu qarka u saaranyahay in uu dhinto. Gabadhani oo ay iska dhaleen labo waalid oo maqalka naafo ka ah ayaa ku kortay barashada afcelinta dadka aan waxo maqlaynin. Iyada oo 4 sano jir ah ayay xitaa kasoo muuqatay jaldiga sare ee buug laga barto luuqadda meedaarta sanadihii 1980-naadkii , iyada oo si joogto ah waalidkeed uga caawin jirtay in ay xiriir sameeyaan. Prof Jemina Napier ayaa ammaantay kartida iyo waxgalnimada carruurta waalidkood u turjumada , waxayna ku tilmaamtay in ay yihiin Afyahano xirfad sare leh, Waxa ay intaasi ku dartay in carruurtani ay leeyihiin xirfado garasho, faham iyo dareen heersare ah oo ay ku afgaran karaan dadka dhegaha la', maadaamaa carruurtani xilli aad usii horeysa ay ku milmeen nolosha dadka waaweyn, islamarkaasna wax ka barteen xalinta mushkiladaha ad adag. Prof Jamina laf ahaanteeda ayaa kusoo barbaartay guri dad dhegaha naafo ka ah ay ku noolyihiin , waxayna kasoo horjeeddaa aragtida ah in dhagoolnimada ay tahay arrin taban, taas badelkeeda waxa ay qabtaa in ay tahay arrin togan. Gudaha UK waxaa ka diiwaangashan illaa 11 milyan qof oo dhegaha la' ama maqalka dhib ku yahay, balse Wakaaladda Bixinta Adeegga turjumaadda dadka dhegaha la' ayaa waxaa u diiwaangashan 151 kun turjumaano oo keliya. Pearl Clinton waa 30 jir , iyada oo 12 jir ah ayay ku qasbanaatay in ay u turjunto ayaydeed oo aad u xanuunsadeyd, waxayna noqotay in ay u sheegto in ay geeriyoonayso. Hadda waxa ay u istaagtay ololaha in xubnaha qoyska ay u turjumaan qofka ehelkooda ah, sababtoo ah waxa ay sheegtay in aysan lahayn fahamka la xiriira in ay si sax u turjumaan xogaha caafimaadka ee ay dhaqaatiirta siiyaan bukaanada. Sida uu qabo xeerka sinnaanta ee 2010-ka ee Britain, dadka dhegaha la' ayaa waxa ay xaq u leeyihiin in ay helaan turjumaan xirfadle ah oo uga afceliya goobaha adeegyada dadweynaha. Hadda nolosha dadka dhegaha la' wax badan ayaa iska badelay, waxaa xitaa aad u caawiyay tiknoolajiyadda iyo isbadelada kale ee bulshada ka dhex dhacay. Xitaa gabadha lagu magacaabo Rose Ayling-Ellis ayaa noqotay atariisho wax ka jisha filimka EastEnders, iyada oo sidoo kale ka qeybgashay barnaamijka qoob ka ciyaarka." https://www.bbc.com/somali/war-59847711 +politics Maxaa xiga oo dhacaya kaddib geerida Boqorad Elizabeth Dadka ku nool UK iyo caalamka oo dhan ayaa ka falcelinaya geerida Boqorad Elizabeth II. Iyadoo la sameeyay jadwal si taxadar leh loo qorsheeyay, lana xiriira munaasabadaha rasmiga ah, uuna si goonni ah u soo bixi doono, ayaa haddana dhimashada Boqoradda waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa nolol-maalmeedka UK. Faahfaahinta inteeda badan waa in la xaqiijiyo, laakiin halkan waxaan idinkula wadaageynaa waxa la filayo. Ma jiri doontaa maalin fasax qaran ah? Aaska ayaa la filayaa in lagu qabto Westminster Abbey qiyaastii toban ilaa 11 maalin gudahood, iyadoo taariikhda uu xaqiijin doono Qasriga Buckingham. Waxay u badan tahay in lagu dhawaaqo maalin fasax qaran ah, laakiin tan waxaa xaqiijin doona Qasriga iyo dowladda. Haddii fasaxa lagu dhawaaqo, dugsiyada waa la xirayaa. Ilaa hadda ma cadda inay gabi ahaanba xiri doonaan xilligaas ka hor. Waaxda waxbarashada iyo maamullada la sameeyay ayaa laga filayaa inay talo soo saaraan. Ma jiri doonaan munaasabado meesha laga saarayo? Ciyaaraha loo qorsheeyay Jimcaha ayaa inta badan la baajiyay, oo ay ku jiraan ciyaaraha Horyaalka Kubbadda Cagta ee Ingiriiska iyo Kubbadda Cagta Waqooyiga Ireland. Waxaa kaloo dib loo dhigay tartamada baabuurta iyo baaskiillada. Waxaan sidoo kale jiri doonin cayaaraha Golf-ka. Marxaladda lixaad ee tartanka Baaskiilka ee Britain, oo lagu waday in qabto Jimcaha ayaan sidoo kale dhici doonin. Ballanqaadyadii BBC-da ee Khamiista iyo Jimcaha ee madaddaallada ahaa waa la joojiyay. Bandhigyada masraxyada ee UK ayaa la filayaa inay sii socdaan, iyadoo la ilaalinayo aamusnaanta halka daqiiqo ah. Shaqo-joojinta tareennada iyo boostada ma sii socon doonaan? Ururka tareennada, badda iyo gaadiidka (RMT) ayaa ku dhawaaqay in shaqo-joojinta la qorsheeyay ee 15-ka iyo 17-ka Sebtember la joojin doono, iyadoo la xushmeynayo Boqoradda. Ururka shaqaalaha ayaa sidoo kale joojiyay shaqo-joojin la qorsheeyay bisha Sebtembar. Shaqo-joojintii boostada ee Jimcaha ayaa sidoo kale waxaa joojiyay Ururka Shaqaalaha Isgaarsiinta (CWU). Ma jiri doonaan adeegyo kale oo xusuus ah ka hor aaska? Waxaa Jimcaha maanta ah ka dhici doona kaniisadda St Paul's Cathedral kulan xus ah, oo ay ka soo qeyb galayaan raysul wasaaraha iyo wasiirro kale oo sarsare. Sababtoo ah Boqoraddu waxay ku dhimatay Scotland, naxashkeeda waxaa la geynayaa St Giles' Cathedral ee Edinburgh. Dadweynaha waxaa laga yaabaa in loo oggolaado maalmo kaddib. Naxashka ayaa markaas kaddib la geyn doonaa London, halkaas oo boqollaal kun oo qof loo oggolaan doono muddo afar maalin ah inay ku booqdaan Westminster Hall. Calanka Midowga ayaa laga dejin doonaa xarumaha dowladda ilaa subaxda ka dambeysa maalinta aaska. Calanka si buuxda ayaa dib loogu soo celin doonaa muddo 24 saacadood ah oo ka billaabanaysa 1-da xilliga duhurnimo ee maalinta Sabtida si ay u calaamadiyaan ku dhawaaqista Boqor Charles. Jimcaha maanta ah, dhawaqa gambaleelka ayaa abaal-marin doona Boqoradda gaar ahaan Westminster Abbey, St Paul's Cathedral iyo Windsor Castle. Waxaa Boqoradda lagu sharfi doonaa 96 xabbadood oo lagu xusayo sanad kasta oo nolosheeda ka mid ahaa, waxaana laga ridi doonaa Hyde Park iyo meelo kale. https://www.bbc.com/somali/articles/cd1x5m13y58o +health Boqol sano ka hor sidee xanuun jirey uu u saameeyey waxbarashada? "Dhibaatada taagan ayaa ah , sidee carruurtu ay dib ugu laaban karaan iskuullada iyaga oo badqaba, si aaney waxbarashada u seegin xilli dunida uu saameeyay cudur dilaa ah oo aan weli loo heli tallaal. Dunidu waxey xilligan wajaheysaa dhibaato lamid ah midii taagneyd 100 sano ka hor markii uu caalamka saameeyay cudurka qaaxada. Qaaadda Yurub iyo Mareykanka toddobadiiba qofba hal qof oo ka mid ah waxaa xilliggaas dilay cudurka qaaxada, sida laga soo xigtay xaruunta ka hortagga cudurrada ee Mareykanka, waxaana qaaxada loo helay tallaal sanadkii 1921-kii Marka la eego xaaladdan, ee ah nidaamka carruurta banaanka wax loogu dhigayo ayaa u muaqda xalka si carruurtu ay waxbarashadoodu usii wataan. Fikradda ah in carruurta banaanka wax loogu dhigo waxay bilaabatay sanadkii 1904-tii, waxaana bilaabay Jarmalka iyo Belgium, waxaa magaalada Paris sanadkii 1922-kii lagu qabtay shirkii ugu horreeyay ee looga hadlayay nidaamka waxbarashada ee ardeyda banaanka wax lagu baro. Waxaana kuraasta la dhigay goob banaan ah, macalimiinta ayaa qaabkaas wax oogu dhigi jiray cabsida la qabo cudurka qaaxada. Mareykanka, nidaamka ardeyda banaanka wax ku barata wuxuu bilowday sanadkii 1907-kii kaddib markii labo dhakhtar oo kasoo jeedo jasiiradda Rhode ay soo jeediyeen nidaamkaas, sida laga soo xigtay wargeyska New York Times. Waxaana markii dambe la furay iskuullo ardeyda banaanka wax uga dhiga, sida in ardeyda goob banaan ah la geeyo ama wax lagu baro gudaha doomo la cidleeyay. Qaaxada ayaa ka duwan cudurka Covid-19, waana cudur ay gudbiso dabeysha, waxay ku dhaceysa qofka ay gasho bakteeriyada ka dhalato qaaxada muddo saacado ah, sida laga soo xigtay xaruunta ka hortagga cudurrada ee Mareykanka. Halka Covid-19 lagu kala qaado taabashada ama goob uu qof qaba cudurka uu taabtay, sida ay sheegtay Ha'yadda Caafimaadka Adduunka. Talyaaniga oo Caabuqa Corona awgiis u xiray dhammaan Dugsiyada iyo Jaamacadaha Maxaa keenay in ardayda Banaadir ay ku dhacaan imtixaanka dugsiga sare? Sidee looga gudbi karaa caqabadaha haysta hannaanka waxbarasahda Soomaaliya? ""Marka laga soo tego xanuunnada ka dhasha nafaqo darrada, qaaxada ayaa aheyd dhibaatada ugu weyn ee heystay carruurta xilliggaas"" Andre Dalben, oo ka tirsan jaamacadda Sao Paulo,ayaa sidaasi sheegay. In carruurta laga raro deegaannada ay ka dhalan karaan xanuunada, sida goobaha ciriiriga ah, waxay kaalin weyn ka qaateen ilaalinta caafimaadka carruurta. Diana Vidal oo ka tirsan jaamacadda Sao Paulo gaar ahaan qeybta taariikhda waxbarashada ayaa sheegtay in fikradda ah carruurta banaanka wax loogu dhigo ay bilaabatay intii u dhexeeysay labadii dagaal ee u dunida markaas oo waxbarashada ay kobceysay. Profesoor Dalben wuxuu helay diiwaanno dhowr ah oo ku saabsan iskuulaadka ardeyda banaanka wax uga dhigi jiray sanadihii 1920s iyo 1930s. Mid kamid ah iskuulaadkaas waxaa la oran jiray (Escola de Aplicação ao Ar Livre/ EAAL), geed hoostiis ayaa ardeyda wax loogu dhigi jiray magaalada Sao Paulo ee Brazil laga bilaabo 139-kii ilaa 1950-kii, markii dambe waxaa loo raray dhismo ku yaalla halkaas. Waa kuwaan sawirrada taariikhiga ah ee ku saabsan iskuulkaas oo ardeyda banaanka wax loogu dhigi jiray. Inta badan iskuulkaas, kuma badneyn ardeyda kasoo jeedda qoysaska dabaqadda dhexe, waxaa wax ka dhigan jiray 350 ardey, waxaana jirtay ardey badan oo sugsysa in la qaabilo. ""Waxaan la hadlay ardeydii wax kasoo baratay iskuulaadkaas oo haatan galay da'da 80, waxay ii sheegeen in macalimiinta ay ahaayeen dad waxbarashada ku adag, marka la fiiriyo iskuullada kale waxbo kama duwaneyn"" ayuu yiri profesoor Dalben. Wuxuu sheegay in iskuullaadka ardeyda banaanka wax ugu dhigi jiray ay meesha ka baxeen sanadihii lixdameeyadii. Daraasado ayaa muujinayaa in fiditaanka cudurka lagu yaren karo nidaamka ardeyda banaanka wax loogu dhigayo balse cilmi- baarayaashan waxay rumeysan yihiin in fikradda ah in ardeyda banaanka wax loogu dhigo dib loo booqdo. Nidaamka ardeyda banaanka wax loogu dhigo waxaa laga dhaqan geliyay gobolka Kashmiir qeybta ay Hindiya maamusho, halkaas oo ardeyda ay ku bartaan agagaarka buuraha qabowga badan ee Himalayas. Dalka Singapore wuxuu sanado badan waday olole uu ardeyda banaanka wax loogu dhigayo si loo xoojiyo maskaxda iyo jirka carruurta dalkaas. Finland, waxaa caan ka ah ardeyda wax loogu dhigo banaanka ama keymaha gudahooda. Denmark waxaa ka jirtaa maalin lagu magacaabo Udeskole, iskuullaad badan ayaa si joogta ah u dhaqangeliya arrintani, dalkan wuxuu ku baaqayaa in qaabkan ardeyda wax lagu baro si looga hortaggo cudurka Covid0-19. Prof. Vidal waxay sheegeysaa in nidaamka ardeyda banaanka wax loogu dhigo uu xoojinayo xiriirkooda, dhaqdhaqaaqa jirkooda iyo horumarinta niyad wanaagga. Waxay macalimiinta ka dhigeysa tababarayaal baddalkii ay gudbin lahaayeen casharka. Prof. Dalben wuxuu sheegaya in nidaamka ardeyda banaanka wax loogu dhigayo uu yahay tallaabo dhiirogelin ah oo dib looga fiirsanato sida ay u howlgalaan iskuulaadka maanta ""Markii aan bilaabay daraasaddeyda, waxaan diiradda saaray deegaanka wax lagu barayo carruurta balse haatan waxaa jirtaa dhibaatada ka dhalatay safmarka"" ayuu yiri Dalben. ""Waxaan dib uga fiirsan karaa iskuulada sidii aan sare ugu qaadi laheyn nidaamka ardeyda banaanka wax loogu dhigo si loo adeegsado barxadaha iyo goobaha kale ee dadweynaha, mana raaci doono qaabkii uu ahaan iskuulaadkii hore ee banaanka ardeyda wax ku bari jiray balse dib ayaan u casriyeyn karnaa""" https://www.bbc.com/somali/war-54179193 +politics Sidee bay CIA-da ku ogaadeen halka uu ku dhuumanayay Al-Zawahiri "Hoggaamiyihii Al Qaacida, Ayman Al Zawaahiri ayaa lagu dilay duqeyn, ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee CIA-da, ka fuliyeen dalka Afgaanistan maalintii Axadda, waana dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo gaarta kooxda, tan iyo  markii la dilay Usaama Bin Laadin, 2011-kii. Hay'adaha sirdoonka, ayaa si hagar la'aan ah qeyb uga ahaa baadigoobka Al-Zawahiri illaa iyo maamulkii hore ee Madaxweyne, George W Bush, sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka, ee haatan, Joe Biden. Haddaba, sidee bay sirdoonka Mareykanka ku ogaadeen halka uu ku sugnaa ninkan ay baadigoobayeen muddo 20 sano. Waabargii Axadda, Al-Zawahiri, ayaa wuxuu usoo baxay balakoonka qeybta lagu qaato hawada gurigii uu daganaa, kaasoo ku yaalla magaalada caasimadda u ah dalka Afghanistan. Aad ayuu ugu raagay, sida ay sheegtay hey'adda sirdoonka Mareykanka CIA-da, taasoo marar badan uu usoo bixi jiray. Joogitaanka Ayman Al-Zawahiri ee dalka Afghanistan gaar ahaan magaalada Kabul, ayay in muddo ah ka shaki qabtay hey'adda sirdoonka ee CIA-da. Saraakiisha CIA-da, ayaa horraantii sanadkan ogaaday in xaaska Al-Zawahiri iyo xubno kale oo qoyskiisa ay dhawaan usoo guureen guri ammaankiisa aad loo adkeeyey, kaasoo ku yaalla magaalada Kabul. Al-Zawahiri ayaa isla markiiba raacay qoyskiisa, si uu ula midoobo, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah. Sargaal sare oo katirsan dowladda Mareykanka, ayaa u sheegay warfidiyeennada iney muddo ku daba jireen shabakad la shaqeysa Al-Zawahiri. Laakiin, sanadkan ayey ogaadeen sirdoonka Mareykanka, in Al Al-Zawahiri qoyskiisu ay u guureen caasimadda dalka Afghanistan ee magaalada Kabul. Bishii April, saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka, ayaa Madaxweyne Biden waxey ogeysiiyeen Al Al-Zawahiri uu kusugan yahay guri ku yaalla Kabul. Waxaa la xaqiijiyey joogitaanka Kabul ee gabadha uu dhalay iyo carruurteeda. Xaaska Al-Zawahiri ayaa isticmaali jirtay indho shareer, iyadoo iska ilaalin jirtay inaanu ruux daba galin, lana ogaan halka ay ka timid, iyo goobta ay u noqoneysaba. Qoyska Al Al-Zawahiri aad bay u taxadareen, sida uu sheegay sarkaal ka socda sirdoonka, iyadoo qoysku uu isticmaalay xeeladaha argagaxisada oo soo jireen ah, si ay uga hortagaan cid kasta oo ku raad joogta hoggaamiyaha Al Qaacida. Dabadeed, ayaa waxaa la isla jeex jeexay xeelad qaarajin ah, iyadoo maskaxda lagu hayo in dadka dhismaha ku jira aanan wax loo dhimin. 1-dii bishii Luulyo, Biden, ayaa wuxuu la kulmay saraakiil amniga qaranka Mareykanka ee muhiim ah sida aggaasimaha hey'adda sirdoonka CIA-da, Bill Burns, aggaasima sirdoonka qaranka, Avril Haines, la taliyaha amniga qaranka, Jake Sullian, iyo ku xigeenkiisa, Joe Finer, iyo la taliyaha amniga gudaha, Liz Sherwood Randall, si ay uga wada hadlaan sidii hawlgalka horey loogu dhaqaajin lahaa. 25-kii bishii dhamaatay ee Luulyo, ayaa madaxweyne Biden oo ku jiray karantiil cudurka Covid19 oo ku dhacay awgiis, wuxuu dhageystay tafaasiil dheeraad ah, oo ay ku jirto qaabka uu u dhisan yahay guriga uu ku sugan yahay Al-Zawahiri sida hawlgal uu u saameyn karo xubnaha qoyska, iyo xulasho kasta oo kale oo yareyn karta dhibaato soo gaarta dadka rayidka ah. Kadib Biden waxa uu ogolaaday duqeyn bartilmaameedkeedu cad yahay, oo lagu qaarijiyo  Al-Zawahiri oo kali ah.\n\n Maraykanka ayaa waxa uu isticmaalay gantaalka Macabre Hellfire R9X, oo aan madax lahayn oo la rumeysan yahay inuu ku rakiban yahay lix xabo oo mandiil ah oo kale oo  aan qarxin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.\n Sarkaal Mareykan ah, ayaa u sheegay warfidiyeenka in subaxnimadii 31-kii bishii July,  Al-Zawahiri uu kaligiis soo istaagay qeybta nasashada ee ""Balcony""-ga loo yaqaano, hoyga uu ka dagan yahay Kabul, markaasoo diyaarad aan duuliyaha wadin ee Mareykanka, ay ku dhufatay laba gantaal, taasoo lagu qaarajiyey Al-Zawahiri. Sawirro muujinaya muuqaalka guriga, ayaa waxaa la arki karayaa daaqadaha guriga hal dabaq oo kamid ah oo daatay, iyadoo daaqadaha qeybaha kale ee dhismaha ay sidoodii ugu yaallaan halkoodii." https://www.bbc.com/somali/articles/c04kd39p4vpo +politics Gabood iyo Fu'aad: Muxuu yahay xabsigan Jabuuti ku yaalla? "Xabsiga Gabood wuxuu ku yaalla Jabuuti, waxaa sannadkii 1960-kii dhisay isticmaarkii Faransiiska ee dalkaas gumeystay. Xabsiga wuxuu ku yaalla xaafadda Gabood.Baaxad ahaan waxa uu ku fadhiyaa dhul gaaraya 9000 oo mitir oo isku wareeg ah, wuxuuna qaadaa illaa 300 oo maxabiis ah. Wuxuu ka kooban yahay dhawr qeeybood oo ay ka mid tahay qeyb la yirahdo qolalka 12-ka kuwaas oo uu ku xiran yahay Fuaa'd. Waa qolal uu gumeystuhu ku ""ciqaabi jiray dadka"", sida ay sheegeen dadkii lagu soo xiray halkaas. Qolalkan ayaa ah kuwa aad u dhib-badan oo ay ciqaabtooda adag tahay. Waxa uu sidoo kale leeyahay qeybo kale oo ay ka mid yihiin kuwa dumarka lagu xiro, ragga, dadka da'da ah iyo carruurta. Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Jabuuti, Suleymaan Cumar ayaa sheegay in Jabuuti ay ka mid tahay dalalka saxiixay Axdiga Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka ayna dhowreyso xuquuqda maxaabiista. ""Hadda waxaan sheegayay axdiga jirdilka mamnuucaya iyo qofka bini-aadamka ah in xuquuqdiisa la dhowro oo wax dhib ah aan loo geysan; sharcigaa Jamhuuriyadda Jabuuti way ansixisay"", ayuu yiri. Sheekh Giire Maydal oo 2013-kii lagu xiray kuna jiray sannad iyo bar ayaa sheegay ""in ay sidoo kale jirto qeyb loogu talagalay in lagu xiro siyaasiyiinta iyo dadka mucaaradka ah"". Xabsigaan waxaa lagu xiraa dadka lagu xukumo dambiyada waaweyn. Waxaa maamusha Wasaaradda Cadaaladda ee qaabilsan xabsiyada dalka Jabuuti balse ka hor 2008 inta aanan laga wareejin waxaa maamuli jiray booliska. Xabsigan waxaa lagu soo xiray siyaasiyiin caan ka ahaa Jabuuti oo qaarkood xilal sare ay ka soo qabteen dowladda. Waxaa ka mid ahaa Yasiin Yaabe oo ahaa tiliyihii booliska, balse markii dambe lagu xiray Gabood. Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu awoodda badnayd balse markii uu mucaaradka noqday ayaa la xiray Yaasiin intaan lagu xirin xabsiga ka hor, isaga ayaa dad kale oo siyaasiyiin mucaarad ah iyo wasiirro dowladda ka soo horjeestay ku xiray xabsigaas. Muddo aan la cayimin ayuu ku xirnaa sida ay dad xabsigaas ka soo shaqeeyay sheegeenna, Yaasiin halkaas ayuu ku dhex xanuunsaday, waxaana ku dhacay cudurada kelyaha u dhintay sannadkii 2002-dii. Waa sidee xaaladda xabsiga Gaboode?Ururada xuquuqul insaanka ayaa xabsigan inta badan ku eedeya iney ka dhex dhacaan taccadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin jirdil iyo ciqaab adag. Waxaa sidoo kale xaaladda xabsigan ka sheekeyay Safaaradda Mareykanka ee dalkaasi Jabuuti sannadkii 2018-kii kaddib markii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelleh mar afaraad dib loo soo doortay. ""Qeybta dumarka ee xabsiga Gaboode iyo qeybta ragga waa isku mid inkasta oo ay dad aad u tiro yar yihiin. Tirada maxaabista ku jirta xabsiga waxay ka badan tahay cadaddii loogu talagay. Baaxadda xabsiga oo aad u yar awgeed, waxaan lakala saarin dadka la dambiyada waaweyn lagu xukumay iyo kuwa kale"", ayaa lagu yiri qoraal soo baxay 2018-kii. ""Dadka loo xiro mucaaradnimada ayaa meel gaar ah lagu xiraa iyadoo sidoo kale aysan maamulku maxaabiista siinin iftiin iyo biyo ku filan. Maxaabiista dhanka maskaxda ka xanuunsan ayaa ku soo badanaya xabsiyada balse ma helaan daryeel gaar ah oo ku filan."" Sheekh Giire Maydal oo ay isla xirnaayeen laba culimo ah oo kale ayaa sheegay in seddaxdeedo ""la isugu geeyay qol yar oo ciriiri ah"". Isagoo ka sheekeynayay qeybta lagu xiray wuxuu yiri: ""Waxaa jirtay qeyb yara dhaanto qeybaha kale oo loo diyaariyay in wasiirrada dowladda mucaarada iyo dadka siyaasiyiinta ah lagy xiro; meeshaa ayaa nalagu xiray"". Xilligii ay xirnaayeen, waxaa jiray isu soo baxyo ka dhacay Jabuuti oo lagu dalbanayay in la soo daayo culimadan oo lagu eedeynayay in mucaaradka ay taageeraan. Sida ay xaqiijiyeen qaar ka ka mid ah dadkii kale ee xabsigaa lagu xiray, Gabood kama jirto ciqaab jirdil ah oo gudihiisa laga geysto balse ""waxaa jiro dad lagala baxo xabsiga oo lagu soo jirdilo meelo kale oo bannaanka ah"". Sheekh Giirre oo sharaxayay qolalka 12-ka ah ee ah qeybta uu Fu'aad ku xiran yahay wuxuu sheegay: ""Waa qolal isku xiran. Qofka markii jiifto wuxuu lugihiisa dul dhiganayaa kaniifka (suulliga)"". Qolalkaas waa ciriiri saa'id ah, waxaana dhacdo in mararka qaar lagu xiro illaa laba ama seddax qof, taas oo caqabad ku noqota maxaabiista. Suleymaan Cumar Cudin, Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Jabuuti wuxuu sheegay in qolalkaas ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu xiro maxaabiista laga ilaalinayo dadka kale ee xabsiga ku jira ay la kulmaan. ""Fu'aad wuxuu ku jiray qolka 5-aad. Qolalka kalena waxaa ku jira maxaabiis kale"", ayuu yiri Suleymaan. ""Qol-walba dherirkiisa waa 4m, ballaciisuna waa 2m"", ayuu hadalka ku sii daray. Sheekh Giirre wuxuu sheegay in ay yihiin qolal ka fog qeybaha kale ee xabsiga, loona maro dhinac gaar ah. ""Xabsiga dhinac kale bay ka xigaan oo meel kalaa laga wareegaa"", ayuu yiri. Dhibaatada ay maxaabiista kale la kulmaan waxaa ka mid ah in ""firaashyo fiican oo lagu seexdo uusan lahayn xabsiga iyo in dadka qaar loo dhigo baco ay ku seexdaan"", sida ay sheegeen dad kale oo dhowaan lagu xiray. ""Qof kasta waxaa la oranayaa jiifkaaga bacdaa ma dhaafi karo, wayna kala jeesanayaa dadka oo dhan. Illaa 80 qof ayaa meelaha hoolalka ah lagu xiraa"". Gudoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Jabuuti wuxuu sheegay in Musqusha (kanifka ama suulliga) uu kor uga kacsan yahay qolka. Maxbuuskana ay u bannaan tahay qeyb uu jiifto iyo meel uu ku tukan karo"". Gabood waa xabsiga ugu caansan Jabuuti, waxaana lagu bartay in lagu xiro dadka dowladda ka soo horjeedo, in kastoo dad kale oo dembiyo kala duwan galay ay ku xiran yihiin. ""Xabsiga waxa uu raacsan yahay wasaaradda cadaaladda"", ayuu yiri Sheekh Giirre oo shaki geliyay in maamul ahaan uusan sidaan ahayn. Wuxuu sheegay in ""hay'adda sirdoonka ay si aan toos ahayn u maamusho Gabood"". Xabsigan waxaa gacanta ku hayn jiray Booliska balse hadda wuxuu leeyahay ciidamo u gaar ah oo dariis gaar ah xiran. ""Sida Fu'aad oo kale, markii nala xiray, mudaaharaadyo is daba joog ah baa dibadda ka socday. marka maynan suuragaleyn in bannaanka naloola baxo"", ayuu yiri Sheekh Giirre. ""Annagu 2013-kii, mucaaradku way isu tageen. Waxaan ahayn dad culima ah oo dadku ay aad u dhageystaan,"" ayuu yiri isagoo ka hadlayay sababta loo xiray. ""TV-ga Jabuuti baan ka hadli jirnay. Masaajiddaan ka hadli jirnay; Meelaha la isugu yimaado baan ka hadli jirnay. Marka taageero ayaan mucaaradkii siinay marka doorashadaa bay mucaaradku guulo ka gaareen"". ""Dowladda waxay u aragtay in cidda mucaaradka u geysay dadka in aan anagu nahay, marka ciqaab baa nalaagu dhigayay, sababtaa baana naloo xiray,"" ayuu yiri Sheekh Giire Maydal oo BBC Somali la hadlay. Labo ka mid ah Culimadaas ayaa hadda Jabuuti ka qaxay oo ku nool qurbaha halka mid ka kalena weli uu ku sugan yahay dalkaas." https://www.bbc.com/somali/war-52997605 +politics Maxay ku saabsan tahay xiisadda ka soo cusboonaatay Hindiya iyo Pakistan? "Hindiya ayaa waddankeeda ka erisay kalabar ka mid ah shaqaalaha safaaradda Pakistan ay ku leedahay caasimadda dalkaas ee Delhi, kaddib markii ay ku eedeysay inay ku howlanaayeen falal basaasnimo ah iyo wadashaqeyn ay la lahaayeen argagixisada ah. Dowladda Hindiya ayaa sidoo kale dhimi doonta shaqaalaheeda ku sugan safaaradda ay ku leedahay magaalo madaxda Pakistan ee Islamabad, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda. Ma jirto jawaab ilaa hadda si deg deg ah uga soo baxday dhinaca dowladda Pakistan, oo arrintan ku saabsan. Xiriirka u dhaxeeya labada waddan ee ku hubeysan nuclear-ka ayaa meel xun gaaray kaddib markii ay Hindiya saddex isbuuc ka hor waddankeeda ka eriday labo ka mid ah shaqaalaha safaaradda Pakistan. Waxaa labaasi qof lagu eedeeyay inay isku dayayeen aruurinta xog ku saabsan dhaqdhaqaaqyada milatariga Hindiya. Warbaahinta Hindiya ayaa soo tabisay in tallaabada ugu dambeysay ee ay qaadday xukuumadda Delhi ay timid markii ay soo baxeen warar sheegaya in labo shaqaale oo Hindi ah lagu waxyeelleeyay magaalada Islamabad. Isbuucii lasoo dhaafay, dowladda Hindiya waxay dhiggeeda Pakistan ku eedeysay inay afduubatay labadaas nin, laakiin Pakistan waxay dhankeeda sheegtay in raggaas ay xireen booliska kaddib markii gaari ay wateen uu jiiray qof waddada marayay. Sida uu shaaciyay wargeyska Hindustan Times, labada waddan waxay ku heshiiyeen in mid walba uu 110 shaqaale ku lahaado safaaraddiisa ku taalla dalka kale, inkastoo tirada shaqaalaha ay hadda tahay 90. Go'aanka ay Hindiya qaadatay wuxuu ka dhigan yahay in labada waddan uu mid walba dalkiisa dib ugu ceshado 35 shaqaale, muddo hal isbuuc gudaheed ah. ""Shaqaalaha safaaradda Pakistan waxay fulinayeen howlgallo basaasnimo ah, waxayna la shaqeynayeen ururro argagixiso ah,"" ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya. Waxay wasaaraddu u yeertay wakiilka Pakistan u fadhiya Hidniya, Syed Haider Shah, loogu sheego eedeymaha. Waxaa sidoo kale loo sheegay, sida uu qoray wargeyska Hindustan Times, in Pakistan ""ay handadaad ku sameysay saraakiil ka tirsan safaaradda Hindiya ee magaalada Islamabad, ayna ka hor istaagtay furlinta howlahooda diblomaasiyadeed"". Hindiya ayaa aamnisan in ciidamada amniga ee Pakistan ay Islamabad ku xireen labada nin kaddibna ay jir dileen islamarkaana dambi uga dhigeen shil gaari oo aan waxba ka jirin iyo lacago been abuur ah oo ay iyaga jeebabka u galiyeen. Markii labadaas nin, oo lagu kala magacaabo Dwimu Brahms iyo Selvadhas Paul, ay Hindiya ku laabteen maalintii Isniinta ayaa la sheegay ""inay sharraxaad ka bixiyeen qaabkii ay ula dhaqmeen ciidamada Pakistan"". Booliska Pakistan ayaa dhankooda sheegay in raggaas xabsiga loo taxaabay markii ay gaarigooda jiirsiiyeen nin rayid ah iskuna dayeen inay baxsadaan. Hase yeeshee ay goor dambe sii daayeen kaddib markii ay ogaadeen inay diblomaasiyiin yihiin. Balse wax jawaab ah kama aysan bixinin eedeynta ku saabsan in raggaas la jir dilay. Horaantii sannadkii lasoo dhaafay ayey heerkii ugu sarreeyay gaartay xiisadda Hindiya iyo Pakistan. Hindiya ayaa weerarro xagga cirka ah ku qaadday saldhigyo ay kooxo fallaago ah ku leeyihiin gudaha Pakistan, isbuucyo ka dib markii weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir, arrintaas ayaana sare u sii qaadday cabsi laga qabo inuu dagaal dhex maro waddamadan ku yaalla Koonfurta qaaradda Aasiya. Ugu yaraan 42 askari oo ka tirsan booliska sida milatariga u tababaran ee dalka Hindiya ayaa lagu dilay qaraxa ismiidaaminta ahaa oo ay mas'uuliyaddiisa sheegteen kooxda fariisinka ku leh gudaha Pakistan ee lagu magacaabo Jayshu Muxammad. Xasaradda kasoo cusboonaatay Hidniya iyo Pakistan ayaa timid xilli ay taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Hindiya iyo Shiinaha. 15-kii bishan June ayey 20 askari oo Hindiya u dhashay ku dhinteen dagaal gacanta la isula tagay oo ka dhacay xadka u dhaxeeya labada waddan. Lama oga khasaaraha gaaray dhinaca Shiinaha. Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo war soo saaray ayaa wacad ku maray in dalkiisa uu difaacan doono xadkiisa, wax kasta oo ay ku qaadato. Dhanka kale, dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay maanta ka hadashay dhacdadii Isniinta, ayaa sheegtay in Hindiya ay ka careysiineyso Shiinaha, si ulakac ahna u daandaansaneyso. Labada dal waxaa u dhaxeeya murankii ugu waqtiga dheeraa ee dhinaca xadka ah, waxayna is hor fadhiyaan ku dhawaad nus qarni." https://www.bbc.com/somali/war-53167564 +technology """Waxaa iisoo dhacday farriin ay soo dirtay saaxiibtay, balse 8 bilood kahor ayey dhimatay""" "Farriin qoraaleedyo dhinaca telefoonka ah oo dad badan u dhacay habeenkii Arbacada ayaa jahwareer ku abuuray qaar ka mid ah shacabka Mareykanka. Qoraalladan waxaa lasoo diray maalinta jacaylka ee loo yaqaanno Valentine's Day, balse arrinta layaabka leh waxay tahay inay dadkii loo diray soo gaareen muddo 8 bilood ka dib ah. Cilladdan ayaa saameysay dhammaan shirkadaha waaweyn ee adeegga isgaarsiinta telefoonnada ka bixiya dalka Mareykanka, iyadoo si isku mid ahna u gaartay telefoonnada noocyadooda Apple-ka iyo Android-ka labadaba. . Syniverse, oo adeegga isgaarsiinta siisa shirkadaha waaweyn ayaa eedda dhacdadan dusha ka saartay cillad la xiriirta ""adeegga keydka gudaha"". Kumannaan macaamiil ah oo ku xiran shirkadaha T-Mobile, AT&T, Sprint iyo Verizon ayaa barahooda Twitter-ka ku shaaciyay dhibaatada ay kala kulmeen cilladdan farsamo ee jahwareerka dhalisay. Qaar ka mid ah dadka ayaa ka cabanayay farriimo xasaasi ah oo loo diray lamaaneyaashii ay horay xiriirka u wadaagi jireen balse ay kala tageen, halka kuwo kalena ay argagaxeen ka dib markii ay farriimo ka heleen saaxiibbo ama xubno ka tirsanaa qoysaskooda oo mar hore dhintay. ""Waxaa ii soo dhacday farriin ka timid lambarkii telefoonka ee saaxiibaddeydi aan ugu jeclaa, laakiin dhibka jira waa in ay geeriyootay bishii February"", sidaas waxaa Twitter-ka ku qoray qof ka mid ah macaamiisha. Qof kale ayaa soo qoray: ""Farriin iska caadi ah ayaa xalay saacaddu markii ay ahayd 3am iga soo gaartay aabahay xaggiisa, taasoo uu ku leeyahay 'Waan ku jeclahay waana ku garab taaganahay mar walba', balse wuxuu markii dambe ii sheegay inuusan mar dhow farriintaas ii soo dirin, goor ay ahaydna uusan xitaa xasuusanin"". Qaar kale oo ka mid ah dadka ayaa iyaguna sheegay inay heleen farriimo uu wakhtigoodu dib ugu laabanayo ilaa 2 sano ka hor. Bayaan ay shirkadda Syniverse soo dhigtay boggeeda internet-ka ayey raalligalin uga bixisay farriimaha khaldan ee kor u dhaafayay 200,000 isla markaana u dhacay macaamiil ay tiradoodu gaareyso ilaa 168,149 ruux. Waxay sidoo kale xaqiijisay in ay xallisay cillada soo food saartay. ""Iyadoo cilladdii la xalliyay, waxaan hadda dib u eegis ku sameyneynaa habka uu u shaqeeyo qalabkeenna keydka gudaha, si aan u xaqiijinno in arrintanoo kale aysan mar dambe soo laabanin, waxaa kale oo aan si joogto ah ula shaqeyneynaa macaamiisheenna si aan uga jawaabno dhammaan su'aalaha ay qabaan"", ayuu yidhi William Hurley, oo ah afhayeen u hadlay shirkaddaas." https://www.bbc.com/somali/war-50347893 +religion Faah-faahin ka soo baxaysa xaaladda Qoraaga buuggii Muslimiinta ka caraysiiyay. "Salman Rushdie waxa uu sheegay in uu dareemayo in noloshiisu ay tahay ""mid caadi ah"" waraysi uu bixiyay laba toddobaad uun ka hor inta aan mindi lagu weerarin masraxa ku yaalla magaalada New York ee dalka Maraykanka. Qoraaga ku guuleystay abaalmarinta ayaa ku sugan xaalad halis ah ka dib markii lagu weeraray munaasabad Jimcihii shalay. Waxa uu sannado badan la kulmayay hanjabaado dil ah oo loogu hanjabayo buuggiisa dunida Muslimka looga arkay in loogu gefay Nabi Muxmed N.N.K.H, ee u bixiyay Aayadaha Shaydaanka, oo dadka Muslimiinta caalamku u arkeen meel ka dhac uu u gaystay diinta Islaamka. Waxaa dhacay dibad baxyo lagu tagaeerayay isla markaana  lagu cambaareeyay weerarka ninkaan lagu qaaday oo lagu tilmaamay mid lidi ku ah xoriyatul qawlka. Mr Rushdie, oo 75 jir ah, ayaa lagu xiray qalabka dadka neefta ka caawiya mana awoodo inuu hadlo, iyadoo laga yaabo in mid ka mid ah indhihiisa ay soo gaartay waxyeello aad u weyn sida uu sheegay wakiilkiis. Booliska ayaa xiray tuhmane lagu magacaabo Hadi Matar, oo 24 jir ah, kana yimid Fairview, New Jersey, wax yar ka dib markii uu ku orday Masrax lagu wareysanayay Mr Rushdie oo uu waraysanayay wariye ka tirsan Machadka Chautauqua ee galbeedka New York. Mr Rushdie ayaa ugu yaraan hal toorey looga dhuftay qoorta iyo caloosha, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Booliiska ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in shaqaalaha iyo xubnihii goobta joogay ay ku xireen qofka weerarka geystay halkii arrintu ka dhacday oo waliba ay figeen inta ay dhulka dhigeen. Muslimiin badan ayaa ka carooday buugga Salmaan Rushdi, waxayna u arkeen in buuggu meel uga dhacay Rasuulka (N.N.K.H.H) iyo diinta Islaamka. Salmaan waxaa loogu hanjabay dil, waxay hanjabaddaas ku khasabtay in uu galo dhuumaleysi, dowladda Britain ayaa si weyn u ilaalineysay ammaanka Salmaan. Iran waxay xilliggaas xiriirka u jartay dowladda UK iyadoo ka careysneyd buugga Salmaan. Hoggaamiyaha Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini, ayaa soo saaray Fatwo uu ku baaqayay in la dilo Salmaan sanadkii 1989- sanad kadib markii buugga la daabacay. Hase yeeshee, reer galbeedka, qoraayaasha iyo waxgaradka waxay dhalleeceeyeen halista ka imanaysa xorriyadda hadalka ee ka dhalatay falcelinta qallafsan ee buugga" https://www.bbc.com/somali/articles/c1ezdq1qgz1o +sports Arrin layaab leh oo dhex martay cunug taageera Manchester United iyo tababaraha Liverpool "Wiil yar oo ka tirsan taageerayaasha kooxda Manchester United ayaa sameeyay isku day uu kooxda Liverpool uga hor istaagayo inay ku guuleystaan horyaalka Premier League-ga ee dalka Ingiriiska, laakiin tababaraha kooxda Jurgen Klopp ayaa ka nixiyay kaddib markii uu si shaksi ah ugu soo jawaabay. Daragh Curley, oo kasoo jeeda ismaamulka Donegal, ayaa warqad u qoray macallinka kooxda Liverpool, taasoo qeyb ka ahayd shaqadiisa leyliga Iskuulka. Wiilkan 10 jirka ah ayaa codsaday in haddii ay suurtagal tahay ay Liverpool ku guul darreysato qaar ka mid ah kulamada ay la yeelaneyso kooxaha, si markaas aysan ugu guuleysanin horyaalka. Klopp ayaa jawaab usoo qoray wiilkan, wuxuu ku bogaadiyay hammigiisa, laakiin wuxuu u sharraxay in Liverpool aysan dhibco u ridi karin isaga dartiis. Daragh aabihiis, Gordon, ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan ardayda fasalka la dhigata wiilkiisa ay qorayeen warqado ku saabsan waxyaabo ay xiiseeyaan, balse Daragh uu isagu go'aansaday inuu qoro warqad cabasho ah oo ku socota tababaraha Liverpool. Cunugan dhigta iskuulka Glenswilly National ayaa warqaddiisa ku yiri; ""Liverpool waxay ku guuleysanayaan kulamo aad u fara badan. Haddii aad sii badisaan sagaal kulan oo kale waxaad noqoneysaan kooxdii kulamada ugu badan ku guuleysatay iyagoo aan mar qura laga badinin guud ahaan taariikhda kubadda cagta Ingiriiska. Anigoo ah taageere Manchester United ah arrintaas waxay ii tahay murugo. ""Marka fadlan kulanka xiga ee ay Liverpool ciyaareyso ku amar ciyaartoyda inay guul darreystaan. Kaliya u oggolaada kooxda kale inay goolal idinka dhaliyaan. Waxaan rajeynayaa inaan kaa dhaadhiciyay inaydaan ku guuleysanin horyaalka, ciyaar dambena aydaan badinin."" Mr Curley wuxuu sheegay inuu yaabay markii ay jawaabta u timid. ""Xaaskeyga ayaa tagtay xafiiska boostada, waxaana loo sheegay inay jirto warqad rasmi ah oo ku socota wiilkeenna Daragh Curley,"" ayuu yiri. ""Waxay isweydiineysay cidda warqad rasmi ah usoo diri karta Daragh, laakiin markii ay u sheegtay Daragh wuxuu yiri 'oh waxaa soo diray Jurgen Klopp'. ""Waana run oo waxay warqadda ka timid Jurgen Klopp."" Kooxda uu Klopp hoggaamiyo ee Liverpool ayaa qarka u saaran inay ku guuleystaan horyaalka Ingiriiska, walina hal kulan lagama badinin ilaa markii uu xilli ciyaareedka billowday. Warqaddan uu usoo diray Daragh, ayuu Klopp ku yiri: ""Nasiib darro, wakhti xaadirkan kuuma ballan qaadi karo codsigaaga, mana aha wax aan sameyn karo. ""Sida aad adiga u rabtid in Liverpool laga badiyo anigana waxay shaqadeyda u tahay inaan ka caawiyo sidii ay u guuleysan lahayd, malaayiin qof oo dunida ku noolna waxay rabaan inay sidaas dhacdo, marka runtii ma doonayo inaan dadkaas niyad jabiyo"". ""Waxaa nasiib kuu ah, kulamada qaar ayaa horay nalooga badiyay, kuwo kalena waa nalaga badin doonaa mustaqbalka, sababtoo ah waxan waa Kubadda Cagta oo natiijo walba laga filan karo. ""Dhibka waa in haddii aad 10 jir tahay aad u maleyneysid in wax walba ay ahaan doonaan sida ay hadda yihiin laakiin haddii aan hal wax kuu sheegi karo anigoo 52 jir ah waa in arrintu aysan sidaas ahayn."" Wuxuu intaas kusii daray in kooxda Manchester United ay yihiin kuwo nasiib leh maadaama ay qof sida Daragh oo kale ah taageero ahaan u heystaan, wuxuuna ku bogaadiyay hamigiisa dhinaca kubadda cagta iyo wanaagga uu la doonayo kooxdiisa." https://www.bbc.com/somali/war-51588055 +health Faa’idooyinka caafimaad ee laga helo shaaha sanjabiisha leh Shaaha sanjabiisha leh waxaa lagu diyaariyaa iyadoo lagu kariyaa sinjabiil laa qalajiyey ama mid qoyan, caleenta shaaha iyo biyo kulul, dhowr daqiiqo kadib shaahi waa diyaar, taasoo u oggolaanaysa in saliidda sinjabiilku ay ku dhex karto biyaha ka hor inta aan la cabbin shaaha. Shaaha sanjabiilka leh wuxuu leeyahay dhadhan diirran, oo xoogaa kuleyl leh, qofka xitaa wuxuu adeegsan karaan sanjabiisha qoyan midda budada ah, waxaa wanaagsan in qofka uu isticmaalo subixii hore. Taariikhda sanjabiisha Taariikhda shaaha sanjabiilku waxa uu soo jiray ilaa 5,000 oo sano ka hor ilaa Shiinaha, halkaas oo dhaqan ahaan looga isticmaali jiray dawo ahaan . markii dambana Sanjabiishu waxaa la geeyay qaaradda Yurub oo lagu darsan jiray cuntada. Wuxuu yareeya xanuunada ku dhaca dheefshiidka Shaaha sanjabiilka wuxuu caan ku yahay awoodda uu u leeyahay inuu dejiyo dhibaatooyinka dheefshiidka, iyo gaar ahaan, wuxuu qofka ka caawiyaa yaraynta lallabada. Mid ka mid ah daraasadaha lagu sameeyay waxtarka shaaha sanjabiisha leh ayaa xitaa soo jeedinaysaa in laga yaabo in uu leehay waxtarka dawooyinka qaar, laakiin qofka xooggaa wuxuu kala kulmi karaa saameyn xun sida in qofka uu dareemo qandho subixii hore. Wuxuu ka hortagga xasaasiyadda Sanjabiilku waxaa ku jiraa maaddooyin muhiim ah oo naqafo leh oo loo yaqaanno gingerols, cilmi-baaristana waxay muujisay in maaddooyinkan ay ka hortaggaan in bakteeriyada ay jirka ku faafto. Wuxuu sidoo kale ka hortaggaa dhibaatooyinka ka dhasha xasaasiyadda, marka uu qofka cabbo shaaha sanjabiisha leh wuxuu qofka ka caawinaya sare u qaadidda caafimaadka jirka. Wuxuu yareeyaa halista dhiig-karka Daraasad la sameeyay sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta isticmaala sanjabiisha ay ku yartahay halista ah in uu ku dhaco xanuunka dhiig-karka. Inkasta oo aysan daraasadda si gaar ah u eegin shaaha sanjabiisha leh, haddana waxa laga yaabaa inay ku caawiso cabidda shaaha sanjibiisha leh waa haddii aad qabto dhiig-kar. Waxaa laga yaabaa in uu hoos u dhigo miisaanka jirka Daraasado dhowr ah ayaa lagu sameeyay faa'iidooyinka uu sinjabiilku u leeyahay miisaan dhimista iyo ka hortagga cayilka. Dib-u-eegis ayaa sidoo kale lagu sameeyay cilmi-baaristan , waxaana lagu ogaaday in sanjabiilka si toos ah uga hortaggi karo cayilka iyada oo loo marayo dhowr habab oo kala duwan, oo ay ku jiraan xakamaynta rabitaanka cuntooyinka iyo kororka thermogenesis ee ( kulaylka jirka). Wuxuu daweeya madax xanuunka Cilmi baarisyo badan ayaa lagu sameeyay sanjabiisha iyo sida ay u yareyso astaamaha xanuunada, oo ay ku jiraan faa'iidooyinka ay u leedahay dadka qaba madax-xanuunka daran. Cabitaanka shaaha sanjabiilka leh, wuxuu markaa kaa caawin karaa ka hortagga iyo in qofka uu u qaboojiyo madax xanuunka. Shaaha sanjabiisha wuxuu leeyahay dhadhan gaar ah, waxaana laga yaabaa, in dadka qaar aysan cabbi karin koob idil oo shaahan ah. Dadka qaar ayaa laga yaabaa in waxyeelleyn ay kala kulmaan marka ay cabbaan shaaha sanjabiisha, sida laabjeexa, iyo saameynta uu ku yeelan karo cadaadiska dhiigga awgeed, waa in qofka si dhexdhexaad ah uu u isticmaalo gaar ahaan dadka dhiig-karka ee qaata dawooyinka. https://www.bbc.com/somali/articles/ckm5myg7emzo +health Shan faa'ido oo laga helo cunista kalluunka dufanta leh Kalluunka dufanta leh ma wuxuu u wanaagsan yahay caafimaadka?- haddii ay sidaas tahay, waa maxay noocyada ugu fiican iyo inta jeer ee ay tahay inaad cuntid? arrimahaas waxaa sharraxeysaa Nicola Shubrook oo ah dhakhtarad ku takhasustay cuntooyinka nafaqada leh, waxay ka talo bixineysaa faa'idooyinka laga helo kalluunkan. Kalluunka dufanta leh- waxaa ku badan dufanka nooca loo yaqaano omega-3. Dufanka Omega-3, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid lagama maarmaan u ah jirka banii'aadanka, waxaa laga helaa cuntooyinka maadama uusan jirka soo saari karin. Noocyada kalluunka dufanta leh: • Salmon • Mackerel • Anchovies • Sardines • Herring 1. Waxaa laga yaabaa in uu ka hortaggo cudurrada ku dhaca wadnaha Daraasado dhowr ah ayaa muujiyay in dufanka loo yaaqaanno Omega-3 fatty acids in uu dadka ka caawiyo hoos u dhigista kolestaroolka iyo cadaadiska dhiigga ee aadka u sarreeya taasoo yareyneysa halista cudurrada wadnaha. 2. Waxaa ku jiraa maadooyin difaaca neerfayaasha Omega-3 fatty acid, gaar ahaan maadada ku jirta ee loo yaqaanno DHA, waxay lagama maarmaan u tahay korriinka maskaxda sida ugu habboon iyo shaqada maskaxda, waxayna u horseedda neerfayaasha inay ka hortaggaan cudurrada, oo uu kamid yahay ka hortagga cudurka Alzheimers. 3. Wuxuu u fiican yahay kala goosyada jirka Dufanka loo yaqaanno Omega-3 fatty acid waxay si daabici uga hortagtaa xasaasiyadda jirka, daraasado dhowr ah waxay muujinayaan inay ilaaliso kala-goysyada jirka, waxayna qofka ka caawin kartaa ka hortagga cudurka ku dhaca kala goosyada ee rheumatoid arthritis. 4. Wuxuu caawiyaa caafimaadka maskaxda Cilmibaarisyo muhiim ah ayaa muujinaya in dufanka Omega-3 fatty acids ay saameyn waxtar leh ku leeyihiin caafimaadka maskaxda oo ay kamid yihiin walaaca iyo niyad jabka. 5. Wuxuu qofka ka caawiyaa halista kansarka Cilmi baarisyo badan ayaa muujiyay in dufanka omega-3 fatty acids lala xiriiriyay hoos u dhigista halista kansarka qaarkiis, oo ay kamid yihiin kuwa ku dhaca mindhicirada iyo naasaha. Waaxda adeegyada qaranka ee UK ee NHS waxay ku talineysaa in qofka toddobaadkii uu ugu yaraan labo jeer kalluunka cuni karo, mid kamid ah kalluunka waa in uu noqdo midka dufanta leh. Kuwa ay tahay inay cunaan wax aan ka badnayn laba xabbo oo kalluunka dufanta leh toddobaadkii waa, gabdhaha, haweenka ku rajo weyn inay uur qaadaan iyo haweenka naaska nuujinaya ilmahooda. https://www.bbc.com/somali/articles/ce959z3rwevo +entertainment Ajay Devgn: Qoyskeennu wuxuu la qalbi jabsan yahay geerida nagu dhacday "Jilaaga shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood, Ajay Devgn iyo qoyskiisa ayaa ka baroordiiqaya geerida ku timid walaalkiis Anil Devgan, oo dhintay maalintii Isniinta. Atooraha ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay geerida walaalkiis, isagoo sheegay in dhammaan qoyskiisu ay ""ka qalbi jabsan yihiin"" dhacdadaas. Anil Devgan ayaa agaasime ka ahaa labo filin oo uu jilay Ajay, kuwaasoo kala ah Raju Chacha iyo Blackmail. Wuxuu sidoo kale ahaa agaasimaha dhinaca hal abuurka ee wiilka uu dhalay atooraha, Sardaar. ""Xalay waxaan waayay walaalkey Anil Devgan. Geeridiisa xanuunka leh way qalbi jabisay qoyskeenna. Aniga iyo ADFF waan u xiisi doonnaa joogitaankiisii. Usoo duceeya. Cudurka safmarka ah awgiis, uma sameyn doonno kulan duco ah,"" ayuu Ajay ku yidhi bartiisa Twitter-ka. Taageerayaasha Ajay ayaa qoyska u muujiyay inay la garab taagan yihiin duco. Ajay aabihiis, oo ka mid ahaa agaasimeyaasha filimada ee ugu waaweyn shirkadda Bollywood-ka, Veeru Devgan, ayaa geeriyooday sanadkii lasoo dhaafay. Bishii May ayuu jilaagu Twitterkiisa kusoo bandhigay xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dhimashada aabbihiis. Wuxuu soo dhigay sawirro midabkoodu caddaan iyo madow yahay oo ay la socdaan qoraallo murugo leh. Veeru wuxuu kasoo qeyb qaatay ilaa 80 filim oo ay ka mid yihiin Lal Baadshah iyo Ishq. Wuxuu sidoo kale agaasimay filimka Hindustan Ki Kasam, oo soo baxay sanadkii 1999-kii, kaasoo ay ka dhex muuqdeen jilayaasha kala ah Amitabh Bachchan, Ajay iyo Manisha Koirala. Ajay filimkii ugu dambeeyay ee lagu arkay wuxuu ahaa Tanhaaji, oo soo baxay horaantii sanadkan.Filimka xiga ee la filayo in lagu daawado waa Bhuj, oo ay isla jilayaan Sanjay Dutt, Sonakshi Sinha iyo kuwo kale. Filimkaas ayaa goor dhow laga sii deyn doonaa bogga Disney+ Hotstar." https://www.bbc.com/somali/54436657 +politics Iran iyo Israa'iil: Maxaa xiga ka dib weerarka lagu qaaday xarunt nukliyeerka Iran? "Xarun nukliyeer oo ku taal waddanka Iiran ayaa gebi ahaanba hakad gashay maalin un kaddib markii xariga laga jaray sida uu sheegay sarkaalka arrimaha nukliyeerka ugu sareeya ee dalkaasi. Cali Akbar ma uusan sheegin cidda ay ku eedeynayaan ""weerarka argigixiso'' ee sababay in maalintii Axadda ay danto quwadda tamarta ee xarunta nukliyeerka ee Natanz ee Magaalada Tehran. Warbaahinta maxalliga ee Israa'iil ayaa soo xigatay ilo wareedyo sirdoon oo sheegay in xarunta nukliyeerka ay dantay kaddib markii Israa'iil ay geeysatay weerar dhanka Internetka. Illaa iyo hadda Israa'iil si toos ah ugama aanay hadlin dhacdadaasi. Maalmihii ugu dambeeyay Is'raail waxay ka digaysay barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan. Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay socdaan dedaalo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo heshiiskii nukliyeerka ee Mareykanku uu ka baxay xilligii xukuumaddii Madaxweyne Donald Trump ee sanadkii 2018ka ay haatan dib u bilowdeen. Iiran ayaa jabisay xayiraadihii lagu soo rogay dhaqdhaqaaqyadeeda atoomiga ah ee sanadkii 2015-kii arrintaan oo jawaab u ah heshiiska uu ka baxay Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ee sanadkii 2018kii. Labada dal ee Iiran iyo Mareykanka ayaa ku kala aragti duwanaadey wadahadaladii Vienna ee Usbuucaan ee la isugu dayayay in heshiiskii 2015-kii labada dhinac ay u hogaansamaan balse wax heshiis ah ma aysan gaarin oo waxaa dib loo ballamay usbuuca soo socda. Madaxweynaha Iiran ayaa sheegay in tallaabada Iiran ay qaadday ee ay sare ugu qaadayso tayadeeda uranium-ka ay tahay mid nabdoon. ""Waxaan mar kale cadeynayaa in howlaheena nukliyeerka ay yihiin kuwo nabad ku dhisan islamarkaana aysan ahayn kuwo ujeedooyin milateri laga leeyahay, sida uu marar badan caddeeyay hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, marka la eego Islaamka iyo fahamkiisa, in la raadiyo hub wax gumaada ma aha wax ay Iiraan sameynayso, waxaan arki karnaa marka aad booqato Hiroshima and Nagasaki saameynta iyo halista tallaabadii khaladka ahayd ee ay Mareykanku ka qaadeen Japan''. Wufuud ka socota Midowga Yurub iyo Ruushka ayaa sheegay in usbuucii ugu horreeyay ee doodaha ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah. Laakiin Washington iyo Tehran waxay isku khilaafeen in laga baaran dago cunaqabateynta saaran Iiraan kuwo la qaadi karo iyo kuwo kale balse ay ku xirantahay oo keli ah hadii Iiraan ay u hogaansanaato heshiiskii nukliyeerka. Farriin uu u diray xubnaha wadahadallada nukliyeerka ayaa Madaxweyne Ruuxasni waxaa uu ku sheegay in dalkiisa uu u hogaansami doono heshiiska balse la doonayo in kooxaha kale ay balamahooda fuliyaan. ""Heshiiskeenna waxa uu ahaa in aan qeyb ka noqono heshiiskan, taasi oo ah in aan la soo saarin, islamarkana idinka aad na siisaan qalabka aan u baahannahay, hay'adda shaqadeeda ma aha oo kali ah in ay wax kormeerto waxay leedahay shaqooyin kale, mid ka mid ah shaqooyiiinkeeda ayaa ah inay wax taageerto, ma jirto si aad u caawiseen Iiraan? Waa tan waxa aan hay'adda ka doonayno waa tan waxa aan ka doonayno dalalka warshadaha ku horumaray, waana tan waxa aan caalamka ka doonayno''. Iiraan ayaa hadda haysata in ka badan toban jeer xaddiga macdanta uranium-ka ee loogu oggolaa heshiiskii caalamiga ahaa, sida ay sheegtay hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada nukliyeerka. Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga (IAEA) ayaa sheegtay in keydka uranium-ka ee Iiraan kororkiisu uu gaadhay 2,105kg (4,640lb) - oo aad uga sarreeya 300kg oo ahaa intii lagu heshiiyay 2015. Iiraan ayaa had iyo goor sheegta in ay xaq u leedahay in ay hesho tamarta nukliyeerka, waxaanay ku nuuxnuuxsataa in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadgelyo oo keli ah. Arrintan ayaa timid kadib markii Iiraan ay fursad u siisay kormeerayaasha IAEA inay galaan mid ka mid ah laba goobood oo looga shakisan yahay inay horey uga kaydiyaan tamarta nukliyeerka." https://www.bbc.com/somali/war-56714330 +politics Sawir silloon oo laga qaaday madaxweyne hore iyo ka haatan ee Maraykanka iyo xaasadkooda Sawirkan silloonka ah ee laga qaaday madaxweynaha haatan ee Maraykanka oo booqasho ugu tagay madaxweynihii 39-aad ee Maraykanka ayaa buuq ka abuuray baraha bulshada. Sawirku wuxuu muujinayaa Joe Bidhen iyo afadiisa Jill oo shiiqiyey madaxweynihii hore Jimmy Carter iyo marwadii koobaad ee hore Rosalynn Carter, waxaana todobaadkii hore lagaga qaaday gurigooda oo ku yaal magaalada Plains ee gobolka Georgia. Dib u milicsashada nolosha aabbihii dhidibada u aasay Somaliland Bill iyo Melinda Gates oo kala tegaya 27 sano kadib Siyaasiyiinta Kuuriyada Waqooyi ee Musharaxiinta ka ah UK In kasta oo Biden in yar ka dheer yahay Cartar, hadana waxa sawirka ka muuqda inuu yahay muuqaal wax laga bedelay waxaana arintaas u sabab ah xagasha ballaadhan ee laga qaaday sawirka, ayuu yidhi tifaftiraha sawirada BBC ee Phil Coomes. Waa farsamo indho-sarcaad ah oo ay sawirqaadayaashu adeegsadaan si ay sawir u qaadaan, laakiin sida haatan ka muuqata sawirkan farsamadaasi mararka qaarkood waxay samayn kartaa in sawirka la dhalan gediyi karo. Muuqaalka farsamadaa loo adeegsaday waxa uga sii daray in Carter dib u fadhiyo, halka Biden uu jilbo joogo Rosalynn ageeda. Natiijadii ayaa dhalisay qosol iyo maadaysi ka socda baraha bulshada dhexdooda. Jimmy Carter haatan waa 96 jir waana madaxweynaha ugu cimri dheer taariikhda madaxdii Maraykanka, afadiisa Rosalynn iyadna waa 93 jir. Sidoo kale Cartar waa madaxweyne ka soo baxay xisbiga Dimuqraadiga sida Biden oo kale. https://www.bbc.com/somali/56989789 +health Digaagga lagu sameeyo sheybaar dhexdiisa oo la ansixiyay in la cuni karo "Hilibka lagu sameeyo sheybaarka ayaa markii ugu horreysay la ansixiyay in bani’aadamku cuni karo. Maamulka Cunnada iyo Dawooyinka Mareykanka (FDA) ayaa ansixiyay cunidda digaagga unugyadiisa lagu sameeyay sheybaarka, kaddib markii ay sameeyeen 'qiimeyn laga baaraan degay'. Digaaggan ayaa lagu sameeyaa taangiyo ay leedahay shirkadda Upside Foods, iyadoo la adeegsanayo unugyo laga soo dheegay digaag nool. Waxay awoodi doonaan inay ka iibiyaan macaamiisha kaddib marka ay qiimeyn ku sameyso Waaxda Mareykanka ee Beeraha. FDA ayaa sheegtay in go’aankeeda ay u adeegsatay xogta iyo warbixinnada ay ka aruurisay bulshada, isla markaana ""aysan haatan qabin su’aalo dheeraad ah"". Aasaasaha iyo madaxa shirkaddaas Uma Valeti ayaa yiri: ""Waxaan Upside billownay xilli ay dunidu aad uga cago jiideysay, haatanna, mar kale ayaan taariikh dhignay annagoo noqonnay shirkaddii ugu horreysay ee ka gudubta FDA."" Upside Foods ayaa la kulmi doonta caqabado badan kahor inta aysan awoodin inay iibiso hilibkan digaagga – tusaale ahaan, halka lagu sameeyo hilibkan waa in si rasmi ah loo ansixiyaa - balse Mr. Valeti ayaa sheegay in warkaas uu la mid yahay ""biyo ku qulqulaya ceel marka la eego taariikhda cunnada"". Hammiga ah in la sameeyo hilibkan oo kale Dhowr shirkadood oo cunnada ah ayaa isku dayayay inay soo saaraan hilib sidan oo jale ah, taasoo mustaqbalka yareyn karta qiiqa hawada lagu sii daayo iyo isticmaalka biyaha, iyo sidoo kale dhulka. Saynisyahannada ayaa sheegay in cadaadiska saaran dhulka uu yaraan karo boqolkiiba 80, haddii cunno sidan oo kale ah la isticmaalo, marka loo barbardhigo hannaanka cuntada Yurub. Hilibka lagu sameeyay sheybaarka ayaa la filayaa inuu mustaqbalka qabsado suuqyada hilibka. Shirkadda cusub ee Eat Just, oo ah mid la tartameysa Upside Foods, ayaa ahayd tii ugu horreysay ee hesha ansixinta in hilib macmal ah “hilib nadiif ah"", ay ku sameyso Sinagapole sanadkii 2020. Hilibkeeda ayaa laga sameeyaa unugyo lagu sameeyay sheybaarka. Labo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee hilibka sheybaarka ku sameynaya ayaa ah kuwo saldhiggoodu yahay Israa’iil waana Future Meat Technologies iyo Impossible Foods, kuwaasoo baagarkooda oo loo yaqaanno Impossible Burger la soo saaray sanadkii 2016 aad ayayna caan u noqdeen. Sidaas darteed, shirkadda ayaa heshiis la gashay shrikadda Burger King. Ernst van Orsouw, oo ah madaxa Roslin Technologies – oo ah shirkad cunto oo laga yeelahay Scotland ayaa ansixinta ay FDA ka heshay The Upside Foods ku tilmaamay ""tallaabo weyn""." https://www.bbc.com/somali/articles/c89j3gw0qepo +politics Nin caan ka ahaa dalka Kenya oo la arkay isagoo derbi jiif ah "Waxaa maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada ee dalka Kenya qabsaday muuqaal aan la ogeyn xilliga la duubay oo uu kasoo muuqday nin lagu magacaabo Charles Matathia, kaas oo caan ka noqday dalka sanadkii 2013. Ninkan oo qoray ama alifay filimkii caan baxay ee ""Nairobi Half Life"" ayaa muuqaalka laga soo duubay waxaa ka qiiroodaay dad badan oo u dhashay dalka Kenya, kuwaas oo ka xumaaday xaaladda uu ku sugan yahay Charles. Charles ayaa kasoo muuqaalkan isagoo taagan wado ay maran baabuurta oo ku taalla deegaanka Kiambu isagoo tuugsanaya, xiran dhar wasaq ah, duruufna ay ka muuqato. Charles Matathia ayaa xilliga muuqaalka laga duubay dhabarka ku sitay jawaan wasaq badan, wuxuuna xirnaa jaakad madow. Muqaalka laga duubay ayuu ku sheegay in uu dhibateysan yahay, una baahan yahay in la garab qabto oo loo gargaaro. Ninkan oo ay xaalad duruuf ka muuqatay ayaa mar ahaa nin caan ka ah dalka Kenya, dad badanna ay aad ugu riyaaqeen filimkii uu soo saaray. ""Magaceygu waa Charles Antony Matathia, waxaan ahay 40 sano jir, waxaan qoraa aflaanta, mashruucii aan ka shaqeeyay aad ayaad u wada taqaanaan, wuxuuna ahaa filimkii caan baxay ee ""Nairobi Half Life"",ayuu yiri. Qofkii muuqaalka ka duubay oo soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in ninkaas uu aad u duruufeysan yahay, qofkii raba in u caawiyana uu isaga lasoo xiriiro. Filimkii uu sameeyay Charles ee ""Nairobi Half Life"" ayaa loo aqoonsaday in uu ahaa mid kamid ah filimadii loogu jeclaa dalka Kenya tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxaana uu soo xareeyay boqolaal kun oo doollar. Filimkaas ayaa mar loo xulay abaalmarinta filimada caalamka ee Oscar Awards, inkastoo uusan ku guuleysanin. Filimkii uu sameeyay Charles ayaa markii dambe ku guuleystay abaalmarino kale, wuxuuna noqday mid aad looga xiiseeyo dalka Kenya, qaab-jilliinkiisuna uu ahaa mid si wanaagsan looga shaqeeyay. Dad badan oo u dhashay dalka Kenya ayaa aad uga qiirooday xaaladda uu hataan ku sugan yahay Charles Matathia, waxayna ku baaqeen in loo gurmado, maadaam uu ahaa qof dhallinyaro ah oo hammi leh. ""Waa nasiib darro in qof hammigii aan arkay lahaa uu sidan yahay, waa wax aad looga xumaado"" ayuu yiri Trevor oo kamid ah dadka ka falceliyay muuqaalka. Dadka qaar ee isticmaala baraha bulshada ayaa arrinta ku tilmaamay mid ka turjumeysa xaaladda dhallinyarada shaqo la'anta ee dalka Kenya. Sida lagu sheegay daraasad ay Qaramad Midoobay sameysay sanadkii 2017-ka, boqolkiiba 24 dhalinyarada Kenya ayaa la sheegay inay shaqo la'aan yihiin, arrintaas oo ah dhibaatada ugu weyn ee ka taagan dalka Kenya, dowladdana ay marwalba sheegto inay wax ka qabaneyso shaqo la'aanta dhallinyarada." https://www.bbc.com/somali/51582897 +politics Markii Trump Obama iyo Biden ay hal meel isugu tageen si hal farrin ay gudbiyaan? "Waa naadir in Donald Trump uu diro fariin la mid ah tan Barack Obama iyo Joe Biden – balse waxay dhacday markii Trump oo Jamhuuriga ka socda iyo labadan hoggaamiye ee Dimuqraadiga ah ay olole ka sameeyeen Pennsylvania hal maalin. Raggan siyaasadda Cadawga ku ayaa dhamaantood waxay ku booriyeen dadka ku sugan sugan gobolkan muhiimka ah inay codeeyaan. Biden iyo Obama ayaa doorashada ku tilmaamay dagaal dimuquraadiyadeed, halka Mr Trump uu sheegay in ammaanka iyo amniga dalka uu safka hore ku jiro. Doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka ee Talaadada ayaa go'aamin doonta xakamaynta aqalka Congress-ka ee labada xisbi. Dhammaan 435-ta kursi ee golaha wakiilada ayaa lagu tartamayaa, halka 35 ay u tartamayaan golaha guurtida. Gobolka Pennsylvania, waxaa ku tartamaya musharraxa Senet-ka Dimuqraadiga John Fetterman, oo 53 jir ah , iyo Mehmet Oz, 62 oo Jamhuuriga ku tartamaya. In labadii madaxweynaye ee hore ee Mareykanka iyo Madaxweyne Biden ay tagaan gobolk ka hor doorashada ayaa muujisay muhiimadda gobolka Pennsylvania. Guushii Mr Trump uu ka gaaray Pennsylvania ayaa ka caawisay in tago Aqalka Cad sanadkii 2016-kii. Isagoo ka hadlayay Philadelphia Sabtidii, Mr Biden wuxuu caddeeyay inay ""wanaagsan tahay in gurigiisa la joogo"". Wuxuu uga digay dadkii badnaa in ku guul dareysiga soo celinta aqlabiyadda Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiilada iyo Senatka ay la macno tahay xannibaado dheeri ah oo ku saabsan xuquuqda ilmo soo rididda iyo dhimista daryeelka caafimaadka bulshada. In kasta oo Dimuqraadiyiintu ay hadda haystaan ​​labada aqal ee Congress-ka, haddana waxa la filayaa in ay waayaan Aqalka Golaha wakiilada iyadoo Aqalka senet-kana tartan adag ay wajahayaan, sida ay muujinayso ra'yi ururin la sameeyay. Goobta ololaha, cod-bixiyayaashu waxay goor hore safaf dhaadheer u galeen inay arkaan laba madaxweyne - Mr Biden iyo madaxweynihii ka horreeyay ee Dimuqraadiga Mr Obama - oo hal masrax jooga. Mid ka mid ah dadka reer Pennsylvania, oo la yirahdo Steve Phillips, ayaa u sheegay weriyaha BBC-da Sarah Smith inuu rajaynayo inay dadka u soo baxaan inay codeeyaan, iyada oo aan loo eegin xisbiga ay taageersan yihiin. Laakiin qaar ka mid ah dadkii isku soo baxay ayaa qiray in runtii ay u yimaadeen inay arkaan Obama, lagana yaabo inaysan soo xaadirin haddii Mr Biden uu halkan joogi lahaa kaligiis. Doorashada dhexe ee Mareykanka  ayaa inta badan loo arkaa afti loo qaadayo madaxweynaha xilka haya, Republicans-ka waxay haystaab wax badan oo ay ku naqdiyaan Biden maadaama dadka Mareykanka ay ka walaacsan yihiin sicir bararka, qoryaha iyo socdaalka. Galbeedka Philadelphia, Mr Trump wuxuu dadkii isu soo baxay uga digay ee reer Pennsylvania uga digay in sii socoshada xukunka Dimuqraadiga ee Washington ay horseedi doonto dambiyo badan iyo soo galooti aan xakameysnayn. Taageerayaasha halkaas, ayaa sidoo kale, isugu soo baxay saacado hore si ay u arkaan Mr Trump. ""Haddii aad rabto badbaado adiga iyo qoyskaaguba, waxaad u baahan tahay inaad u codayso sidii qof kasta oo dimuqraadi ah uu xafiiska uga bixi lahaa,"" ayuu yiri. Mid ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa u sheegay RSBN, oo ah shabakad muxaafid ah, inuu halkaas u joogo inuu taageero Mr Trump sababtoo ah waxa uu yiri madaxweynihii hore ayaa gacan ka geystay hubinta in dadku ay ""ku noolaan karaan nolol aan la xakameynin iyo sidoo kale waxa aan u baahanahay inaan sameyno"". Cabsida iyo sheegashooyinka beenta ah ee musuqmaasuqa ayaa hareeyay doorashooyinka xilliyada dhexe, iyadoo dad badan ay ku doodayaan in 8-da Nofembar codeynta ay tijaabo u noqon doonto hiufnaanta nidaamka doorashada." https://www.bbc.com/somali/articles/cz5vjz37j67o +religion 'Anigoo aamusan ayaan iska sugayaa iyado adduunkeygu uu burburayo' "Rikat Hashmi, oo ah gabar muslimad ah oo wax ka barata magaalada Delhi, waxay sharraxeysaa sababta ay walwal badan uga dareemeyso mustaqbalkeeda ku aaddan in iyadoo muslim ah ay ku noolaato Hindiya. Sida muslimiin badan oo ku sugan Hindiya, waxaan hadda maalin kasta ka fikiraa waxa uu mustaqbalkeennu noqon doono. Ma la ii diidi doonaa shaqo iyadoo la eegayo diinteyda? Ma la iga saari doonaa gurigeyga? Ma waxaa i dili doona dadweyne igu goobta? Cabsidan waligeed ma dhammaan doontaa? ""Iska dulqaado"", ayey hooyadey i dhahday ka dib markii uu habeen qalalaase ka dhacay jaamacaddeyda- Jamia Millia Islamia - oo ku taalla magaalada caasimadda ah. Arday ayaa la garaacay, sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa lagu tuuray iyagoo ku dhex jira musqulaha, waxaana argagax loo galiyay si ay u joojiyaan mudaharaadyadooda ka dhanka ah sharciga dhalashada ee muranka abuuray. Sharciga - oo ah isbaddalka lagu sameeyay xeerka helitaanka dhalashada - wuxuu waddada u xaarayaa in dhalasho la siiyo dadka kasoo cararay saddex waddan oo kala ah Bangladesh, Pakistan iyo Afghanistan. Laakiin wuxuu magangalyo siinayaa oo kaliya dadka aan muslimiinta ahayn ee sida sharci darrada ah kusoo galaya Hindiya. Waxaa dadka lasoo dhaweynayo laga reebay kuwa muslimiinta ah, arrintaasina waa cunsuriyadda sababtay mudaharaadka ardayda. Laakiin maxay tahay sababta ay boolisku u weerareen ardaydaas? Waxay sheegeen in sababtu ay tahay maadaama ay ardaydaas dab qabadsiiyeen gawaari, laakiin aaway caddeynta naloo hayo? Boolisku waxay sheegeen inaan rasaas lagu ridin dhalinyarada, marka haddey sidaas run tahay, maxaa ku dhacay dadka dhaawaca ah ee isbitaallada yaalla? Aniga waxaan waxbarashada heerka labaad ka sameynayaan jaamacadda Jamia, waxaana goob joog u ahaa mudaharaadyo nabadeed oo dhacay intii aan halkan ku sugnaa. Kama aanan qeyb qaadanin mudaharaadkii dhacay maalintii Axadda, kaasoo markii dambe qalalaase isku baddalay. Laakiin waxay dhibaato iga soo gaartay howlgalkii ay boolisku sameeyeen markii uu dibadbaxa dhammaaday ka dib, maadaama ay ciidamadu si toos ah u weerarayeen ardayda. Waxaan xasuustaa anigoo cabsi weyn dareemaya markii ay boolisku soo aadeen qolalkii aan seexaneynay. Waxaan daminnay nalalka annagoo isku dayeyna inaan isqarinno. Habeenkii wuu gudbay nasiib ayaana u yeelannay inaan badbaadno. Laakiin arrinta caddaatay waxay tahay: micno ma laha haddii aad hadashid iyo haddii kaleba, waayo dadka la bartilmaameedsanayo waa annagoo ah muslimiinta Hindiya. Waxaan xasuustaa inaan hurdada uga soo toosi jiray codadka heesaha ay qaadaan dadka Hinduuga ah, anigoo carruur ah. Annagoo mislim ah waxaan ahayn qoyska kaliya ee daggan xaafad ay ka buuxeen dadka Hinduuga ah, taasoo ku taalla gobolka bariga ee Orissa. Mar walba waxaan si wadajir ah ula dabaaldagi jirnay munaasabadahooda - waxay gacmaha cillaan ii marin jireen munaasabadaha Ciidaha, aniga iyo walaalaheyna waxaan aadi jirnay feestooyinkooda. Qaar ka mid ah saaxiibbadeyda Hinduuga ah waxay gurigeenna u imaan jireen inay cunaan bariiska loo yaqaanno biriyaaniga oo lagu daray basbaas, kaasoo ka mid ah cuntooyinka laga kariyo guryaha muslimiinta. Ma jirin masaajid ay muslimiinta leeyihiin oo ku yaallay xaafaddeenna, laakiin aabahay dhib kuma uusan qabin taas, maadaama uusan si wanaagsan diinta ugu dhaqmi jirin. Hooyadeyna waxay shanta salaadood ku tukan jirtay guriga dhexdiisa. Waxaan dhigan jiray iskuul ay ardaydiisa oo dhan yihiin Hinduu, waligeyna ma dareemin farqi diimeed oo noo dhaxeeyay. Hal mar ayuu qof saaxiib aan ahayn i weydiiyay sheeko ku saabsan in muslimiintu aysan maalin kasta qubeysanin. Waan ku qoslay, waxaana ku dhahay, ""anigu waxaan ahay Muslim, maalin kastana waan qubeystaa"". Diintu waxay qeyb ka ahayd nolosheenna, laakiin ilaa hadda waligey ma dareemin in diintu ay saameyn ku yeelaneyso dhalashadeyda. Ciidamo awood leh ayaa doonaya inay na kala qeybiyaan, anigana ma hubo sida aan mar kale u xamili karo xaalad noocaas ah. Run ahaantii, waxaan ku soconnaa inaan noqonno dadka nolosha heerka hoose ku nool ee mar walba ay cabsida dariska la tahay. Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, oo qoraal soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayaa dadweynaha ka codsaday inay xasiloonida dhowraan inta lagu guda jiro dibadbaxyada ka dhanka ah sharciga dhalashada. Wuxuu yiri: ""Kani waa wakhtiga loo baahan yahay in nabadda la ilaaliyo, oo midnimada iyo walaalnimada la dhowro"". Maalin ka hor, isagoo kumannaan qof la hadlayay ayuu yiri: ""Dadka hantida gubaya waxaa laga arki karaa kaamirooyin, waxaana lagu aqoonsan karaa dharka ay xiran yihiin"". Si toos ah uma uusan qeexin laakiin way iska caddahay inuu u muuqday qof tilmaayaya dadka weerarrada lagu bartilmaameedsan in diintooda lagu aqoonsan karo. Taas ulama jeedo in arrintani ay tahay mid dusha sare laga garanayo. Aniga waxaan xijaab xirashada billaabay markii aan ahaa 16 jir. Maanta oo aan ahay 22 jir, waxaan u taaganahay inaan ka dhiidhiyo cunsuriyadda ka dhanka ah diinteyda iyo inaan ka hadlo sharciyada noocaas ah. Hindiya waxaa ku nool muslimiin ay tiradoodu gaareyso 200 oo milyan. Walwalku wuu sii kordhayaa. Kor uma hadli karno, arrimuhuna way sii xumaanayaan iyadoo uu soo socdo sharci kale oo dhammaan dadka ku nool waddanka ay ku caddeynayaan dhalashadooda. Wasiirka arrimaha guriyeynta wuxuu ballan qaaday in waddanka tirakoob laga sameyn doono ka hor inta aan la gaarin doorashada sannadka 2024-ka. Laakiin wali waxaa jirta rajo. Codadka taageerada ah ee kasoo baxaya waddanka qeybihiisa kala duwan ayaa ka sarreeya kuwa naceybka ah. Hadda, anigoo aamusan ayaan sugayaa, xilli uu adduunkeygu burburayo. Waxaa la iga soo badbaadiyay qolkii aan jaamacadda ka seexanayay waxaana la igu khasbay inaan fasax galo. Waxbarashadeydii way hakatay. Ma safri karo si aan u soo arko qoyskeyga oo ku nool magaalo kale. Sababtoo ah dibadbaxyadu halkaas ayey kasii hurayaan. Sidaas darteed waxaan iska fadhiyaa guriga uu leeyahay qof wakiil iga ah, waxaana soo xasuustaa hadalkii hooyadey ee ahaa: ""Dulqaad samee awoodna yeelo""." https://www.bbc.com/somali/war-50904096 +politics Ilhan Cumar oo doorashada berri loollan adag kula geli doonto haweeneey Madow ah Ka dib markii ay ku guuleysatay doorashadii is ree-reebka ee xisbigeeda, Ilhan Cumar waxay doorashada berri oo Talaalado ah dhacaysa kula tartami doontaa haweeney iyadana Madow ah oo la yirahdo Cicely Davis oo ka socota xisbiga Republican-ka. Ilhan bishii Ogosto waxay la soo tartantay afar murashax oo uu ka mid yahay Don Samuels oo horay uga tirsanaa golaha deegaanka ee Minneapolis, inkastoo uu soo galay kaalinta labaad hadana Ilhan ayay guusha raacday. Berri goobaha cod-bixinta waxaa la furi doonaa 7-da subaxnimo waxayna furnaan doonaan ilaa 8-da fiidnimo. Waxay hadda ku fadhidaa kursiga Aqalka Congress-ka oo ay ku mataleyso degmada Shanaad oo ay ku jirto Minneapolis iyo deegaannada kale ee ku xeeran. Mushaarka sannadlaha ah ee uu qaato qofka xubinta ka ah Aqalka Congress waa 174,000 oo doolar. Dhanka xisbiga Jamhuuriga, Davis waxay ku soo guuleysatay inay xisbigeeda ku matasho doorashada guud ee Aqalka Congress-ka. Waxay la soo tartantay 3 murashax oo xisbigeeda ka tirsan. Cicely Davis waxay ka tirsan tahay xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, waxaana loo arkaa haweeneyda sida weyn loollanka ugu jirta inay ku guuleysato doorashada xilligga dhexe ee Mareykanka, gaar ahaan kursiga degmada shanaad ee aqalka koongareeska ee Minnesota. Waxay la tartami doontaa Ilhaan Cumar oo haatan ku fadhida kursigan kana tirsan golaha Wakiillada Mareykanka. Waxay qoyskeeda kasoo jeedaan deegaanka Rochester ee New York, waxayna kusoo barbaartay Minnesota. Davis waxa ay dooneysaa inay meesha ka saarto Ilhaan Cumar. Waxay kamid aheyd dadkii ka hadlay dhibaatadii dabka ee saameeyay suuqa Waaheen ee Hargeysa isla markaana waxay ka qeyb gashay munaasabad gurmad loogu fidinayay dadkii ku hanti beelay suuqaas. Cicely waxay jamaacadda shahaadada koowaad ka qaadatay Minnesota School of Business, iyadoo ku takhasustay culuumta maareynta arrimaha caafimaadka. Waxay shahaadada labaad ka qaadatay jaamacadda Liberty sanadkii 2016-kii. Cicely Davis waxay bilowday inay dhaqaale u raadiso ololaheeda doorashada, sida ay ku warrameyso warbaahinta Minnpost oo soo xiganeysa warbixinta guddiga doorashada. Dadka Mareykanka waxay mar kale goobaha cod bixinta u dareerayaan xilliga dhexe oo ku beegan 8-da bishan Nofeembar oo berri ku aaddan. Waa doorasho khaas ah oo ay dadku u codeynayaan siyaasiyiinta ka howl gasha qeyb ka mid ah dowladda oo lagu magacaabo Aqalka Kongress-ka, kaasoo ah aqalka sharci dejinta. Waxaa sidoo kale jira xilal loo dooranayo barasaabyada gobollada iyo xilal kale oo xafiisyada gobollada ka tirsan. Doorashooyinka xilliga dhexe waxay dhacaan markii uu kala bar noqdo xilliga uu madaxweynaha xilka haynayo. https://www.bbc.com/somali/articles/c6px482pv8qo +entertainment "Jaceyl dhab ah: ""Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo qof iyada la mid ah""" "Justin McLeod, wuxuu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha ganacsiga caalamka, wuxuu la hadlay Barnaamijka The Boss ee BBC-da ka baxa. Justin waa aasaasaha iyo madaxa fulinta App-ka haasaawaha ee Hinge. Markii uu ka soo kabsanayay isticmaalka maandooriyaha, Justin McLeod wuxuu aasaasay dejiyay barnaamijkiisii haasaawaha, waxay ahayd inuu noloshiisa ka caawiyo sidii uu uga adnaan lahaa niyad jabka. Shan sano kahor, macalinkiisii koleejka, oo ah haweeneydii uu u maleeyay in ay tahay jacaylka noloshiisa, waxay kaga tagtay dhibaato la xiriirta isticmaalka daroogada iyo khamriga. Wuxuu markii dambe u tegay gabadhii si uu dib ugu soo nooleeyo xiriirkooda. Wuxuu xilligaas ku guuleystay inuu gebi ahaanba iska daayo isticmaalka daroogada, balse wuxuu awoodi waayay inuu u sii noolaado si jacayl uu ku dheehan yahay. Muusan dooneyn inuu baararka aado, sababo la xiriirta balwadda khamriga ee uu qabatimay, wuxuu shaqo ka bilaabay Hinge sannadkii 2011-kii, isago ka raadsanaya jaceyl wanaagsan iyo lammaane cusub. Markaas wuxuu ahaa 27 sano jir, Wuxuuna Ganacsiga ka baranayay Jaamacadda Harvard, qeybta magaalada Boston. ""Waan qalbi jabsanaa, waligeyna kuma fikirin in an heli doono qof iyada la mid ah,"" ayuu yiri. Laakiin, wuxuu mooday, inuu app-ka uu u yahay fursadda ugu fiican. Adeegyo haasaawe oo khadka tooska ah loogu talagalay, oo dhallinyarada lagula hadlo, ayaa soo baxay, Justin ayaa sidoo kale rajeeyay in ay noqon laheyd ganacsi uu isku dayi karo inuu guul gaaro. ""Waxaan helay fursad fudud oo aan ku heli karo. App si fudud la isugu shukaansan karo oo dhallinyarada ay qeyb ka noqonayaan, kuwaas oo xilligaas aan isticmaali jirin baraha la isku shukaansado,"" ayuu yiri. ""Fikradda markaas waan haleeli waayay oo maskaxdeyda ayey ku dhex wareeganeysay."" Sannadkii 2012, ayuu Justin bilaabay App-ka Hinge, isla sannadkaas ayaa la aasaasay app-ka Tinder, oo isagana ah bar haasaawe. Maanta Hinge, waxaa isticmaasha dad gaaraya 5.5 million oo qof, waxaana dakhli sannad kasta uu soo xareero lagu sheegay lacag gaareysa $5.2m (£4.1m). Laakiin sheeko jacayl ah oo layaab badan oo laga jilay musalsal TV ayaa dhecday. Justin jacayl cusub kama helin App-ka uu isaga aasaasay. Taa beddalkeeda se, wuxuu ku dhiiraday inuu isku dayo inuu dib u hanto qalbiga jacaylkiisii lumay ee Kate Stern. Silsiladdan dhacdooyinka ayaa bilaabmay sannadkii 2015-kii, markii la sii xoojiyay shirkadda Hinge, waxaa wareystay weriye Deborah Copaken oo maqaal ku qoray wargeyska The New York Times. Gebogebada wareysiga, ayay Ms Copaken weydisay, haddii uu weligiis sidan u jeclaanayo gabadha. Wuxuu ka dib, Justin, ka sheekeeyay sida uu u jeclaa oo uu u lumiyey gacalisadiisa Kate intii ay labadooduba ahaayeen arday wax ka baraneysay Jaamacadda Colgate ee ku taal Hamilton, ee Gobolka New York, sababtuna ay ahayd maandooriyaha uu aadka u isticmaali jiray. Gabadha wariyaha ah, ayaa ku jawaabtay, in ay leedahay sheeko jaceyl oo luntay oo tiisa la mid ah, laakiin in aysan waligeed u dhaqaaqin in ay ficil sameyso, haddana ay ka cabsi qabto in ay ka daahday oo wax la soo dhaafay ay tahay. ""Sheekadeeda ayaa igu dhiiragelisay inaan qaado hal tallaabo oo dheeraad ah, laakiin waxay ahayd toddobo sano oo waxaan u maleynayay in ay goor danbe tahay,"" ayuu yiri. Laakiin si dhiirannaan iyo geesinimo leh; Justin wuxuu u duulay Switzerland, halkaas oo uu ku ogaa in Kate ay markaas ku nooleyd oo ay ka shaqeyneysay. In kasta oo ay bil gudaheed ku guursaneysay, haddana waxay oggolaatay inay la kulanto. Dhowr maalmood gudahood, arooskeedii wuu baaqday, iyada iyo Justin na dib ayay u midoobeen. Sheekooyiin kale oo Jaceyl Wax yar ka dib, Justin ayaa mar kale la kulmay gabadhii wariyaha ahayd ee Ms Copaken, si uu ugu sheego wixii dhacay, ayna arrinta ugu qorto waryegeyska New York Times, qeybta casriga ee lagu daabaco sheekooyinka jacaylka ee bishii November sannadkii 2015-kii. ""Markii maqaalka lagu daabacay Joornaalka New York Times, waxaa la sheegay in dadkii akhristay ay ""aad isula wadaageen qoraalka oo ay hadal hayeen,"" ayuu yiri Justin. ""Waxay xitaa qoreen, dabagal ay ku sameeyeen, in dadka ay tahay in ay isku dayaan in ay dib u raadiyaan jacaylladooda horey uga lumay."" Markii Warbixinta Jaceylka Casriga ah laga sameeyay Filim masalsal ah oo kalgaceyl oo laga baahiyay Amazon Prime TV, oo sannadkii hore isla magacaas loo bixiyay, Shekada Justin iyo Kate waxaa laga siiyay qeyb ka mid ah. Waxaa kaalintiisa matalayay Jilaaga Reer Britain ee Dev Patel. Justin wuxuu sheegay in dib ula soo noqoshada Kate ay isaga ka dhigtay inuu garawsado inuu u baahan yahay inuu dib boorka uga jafo app-ka Hinge, kaas oo xilligaas ""isku si ay u shaqeynayeen"" App=ka kale ee Tinder. Wuxuu doonayay in Hinge uu noqdo bar jaceyl badan laga dhaxlo, si fududna dadka isugu xira kuwaas oo jir ahaan isa soo jiita. Taa bedelkeeda wuxuu xoogga saaray in dadka ay noqdaan kuwo dhaqan ahaan si fiican isu barta, wuxuuna ku dhiiragelinayay in qaabkii hore ee shukaansiga ay sameeyaan ayna isu doontaan, taas oo ka caawineysa in xiriir muddo socda ay wada yeeshaan halkii ay ""waxyar ka dib kala carari lahaayeen"". Ka dib markii uu dib u soo kiciyay App-ka sannadkii 2016-kii, dadka isticmaala waxaa la weydiinayay su'aalo la xiriira ""waxa ku saabsan noloshooda""... ama ""xaqiiqada nolosha qofka ee dadka kale ay la cajabi karaan..."". Jawaabtooda waxaa lagu hoos qorayaa bogga uu qofka ku dhex leeyahay App-ka. Taas waxay qofka kale ka caawineysaa inuu helo shaksiyadda uu jecel yahay ama uu ka helo, wada sheekeysigana halkaas ayuu ka billaabanayaa. ""Waxay ila ahay arrin fudud oo yar, balse waxay bedeshay dhaqanka dadka ee App-ka adeegsada,"" ayuu yiri Justin, oo ku dhashay Kentucky. ""Waxay ka dhigtay in xulasho wanaagsan ay sameeyaan, ayna si wanaagsan uga fakaraan waxa ay boggooda ku qorayaan. ""Waxaa ka dib ogaaday Shakhsiyadda dadka ay jecel yihiin ee guurka gaarta."" Hinge, waxaa hadda ka howlgala in kabadan 70 shaqaale oo fadhigoodu yahay xafiiska ku yaalla New York. Intii ay socotay ka jawaab celinta coronavirus, horraantii Abriil, Hinge wuxuu soo saaray barnaamij cusub oo loogu magaca daray ""date from home"", taas oo dadka adeegsanaya aku dalban karaan in si muuqaal ah ay ula haasaawaan qofka kale. Justin, ayaa sheegaya inuu doonayo in dadka adeegsada Hinge ay helaan farxad dhameystiran oo sheekadooda jacaylka ah sida isaga iyo Kate ay sameeyeen. Lamaanahan ayaa isguursaday sannadkii hore, waxaana dhowaan u dhashay cunuggoodii ugu horreeyay." https://www.bbc.com/somali/war-53076908 +politics Waa kuma xildhibaanka ay is haystaan Aadan Barre Ducaale? "Waxaa baraha bulshada ee dalka Kenya maalmahaan isugu jawaabay xildhibaan laga soo doorto bariga magaalada Mumias oo lagu magcaabo Peter Salasya iyo Aadan Barre Ducaale oo dhowaan loo magacaabay wasiirka Gaashaandhigga Kenya. Isu-jawaabidda labada mas’uul ayaa billowday markii Peter Salasya oo markii ugu horreysay loo doortay xildhibaan uu sheegay hadal baraha bulshada maad ka dhaliyay. Waxaa la faafiyay muuqaal uu baarlamaanka ka hadlayo xildhibaanka, isagoo ku-xigeenka baarlamaanka Kenya, Gladys Shollei ku oranaya hadal Soomaali ahaan u tarjunmaya “marwo afhayeen, mudane”. Dad badan ayaa ku maadeysanayay hadalkaas, balse waxay xaaladda sii adkaatay markii uu Aadan Barre Ducaale bartiisa ku wadaagay muuqaalka xildhibaan Salasya, uuna ku soo dul qoray: ""Waxaan ma dhab baa? Ma noqon karo Aqalka Baarlamaanka Agoosto. Alle ha caawiyo.” Xildhibaanka ayaa markiiba u soo jawaabay Ducaale waxa uuna yiri: ""Aadan Ducaale, oo loo magacaabay Wasiir, ayaa hadda i dhaleeceynaya, oo ii sheegaya sida aan kaftanlow u ahay."" “Waxaan ku eegayay markaad oranaysay 'waxa ugu horreeya waa in ciidamada KDF laga soo saaro Soomaaliya'. Runtii dalkaan dhibaato hor leh ayaad ku soo kordhineysaa, uma qalantid inaad noqoto Wasiirka Difaaca,” ayuu raaciyay. Dhanka kale, Ducaale ayaa shalay oo Khamiis ahayd bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “in markii horeba ay ahayd in aanba laguu dooran xildhibaan.” Aadan Barre wuxuu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo ay marxalado badan isla soo mareen. Haddii la ansixiyo, Ducaale waxa uu beddeli doonaa Eugine Wamalwa, oo xilkaas hayay tan iyo 30-kii bishii Sebteembar ee sanadkii la soo dhaafay. Maxamed Yuusuf Xaaji ayuu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Soomaali ah oo qabta xilkan awoodda badan, xilligii ay jirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Muwai Kibaki. Waxa uu Xaaji wasaaraddan maamulayay intii u dhaxeysay 8-dii Jannaayo ee sanadkii 2008 ilaa 26-kii Abriil ee sanadkii 2013. Aadan Ducaale ayaa ku khasbanaan doona in uu iska casilo kursiga xildhibaannimada ee uu ku matalo degmada Garissa Township. Waa qodob dastuuri ah in mas’uulka wasiir noqda uu banneeyo kursiga baarlamaanka. Golaha cusub ee wasiirrada ayaa sugaya ansixinta Baarlamaanka. Waa kuma xildhibaan Peter Salasya? Xildhibaan Salasya oo markii ugu horreysay la soo doortay waxa uu noqday xildhibaan ay dad badan oo Kenyan ah yaqaannaan oo kasbaday quluubtooda kaddib wareysiyo xamaasad leh oo warbaahinta uu siiyay ka hor intii aan la dooran. Waxa uu jaamacadda Egerton ee dalka Kenya ka baxay sanadkii 2014. Wuxuu ku biiray baarlamaanka kaddib doorashadii guud ee Agoosto 9, 2022. Waxa uu dhashay Jannaayo 15, 1989. Waxaa la dhashay toddobo carruur ah." https://www.bbc.com/somali/articles/c6px5qw97y3o +health Coronavirus: Wariye ka tirsanaan jiray BBC oo u dhintay Covid-19 "Geerida wariye horay uga tirsanaa idaacadda BBC-da ""ayaa taabatay qalbiyada dad badan"", sida ay sheegtay saaxiibaddiis. John Hood, oo 66 jir ahaa ayaa aad loogu aqoon jiray barnaamijya Raadiyada BBC-da ee Suffolk, ka hor inta uusan noqonin sarkaal dhinaca arrimaha bulshada ka caawiya booliska. Bishii August ee sanadkii 2016-kii, wuxuu soo jiiday doon ay saarnaayeen 4 gabdhood oo dhowr iyo toban jir ah, taasoo kusii siqeysay badweynta, wuxuuna ficilkaas ku kasbaday abaalmarin weyn oo la guddoonsiiyay. Haweeneyda laaxiibaddiis ah, oo lagu magacaabo Jayne Lindill ayaa sheegtay in qoyskiisa iyo saaxiibbadiis ay 2qalbi jab kala kulmeen"" geeridiisa. Mr Hood, oo Ms Lindill kula noolaa gobolka Suffolk, wuxuu geeriyooday maalintii Talaadada kaddib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19. Ms Lindill waxay sheegtay in markii ay John la kulantay 23 sano ka hor ""uu horumar weyn gaarsiisanaa"", isagoo wariye Telefishin ka ahaa dalalka Australia iyo New Zealand. ""Wuxuu wareystay qof walba, laga billaabo Sylvester Stallone ilaa Mick Jagger, wuxuuna ahaa nin macquul ah,"" ayey tiri. Kaddib markii ay lamaanahan u guureen UK, Mr Hood wuxuu barnaamij soo jeediye ka noqday BBC-da, laakiin xirfaddiisa waxay ugu dambeyn isu baddashay caawinta dadka, sida ay sheegtay Ms Lindill. Neil Boast, oo Mr Hood ku tababaray xarunta booliska ee Suffolk, ayaa sheegay inuu ahaa ""qof qiima badan"" oo uu bartay, isagoo intaasna ku daray in ay tacsi u dirayaan ehelkiisa. Sanadkii 2016-kii, Mr Hood wuxuu ka sheekeeyay qaabkii uu xeebta Felixstowe uga soo badbaadiyay afar gabdhood oo doontooda ay badweynta kula sii socotay. Kaddib markii uu arkay wuxuu u dabaashay dhankeeda, wuxuuna doonta gacantiisa kusoo jiidayay masaafe dhan 150 mitir, ilaa kuu ka keenay xeebta. ""abdhuhu ma aysan rumeysneyn inay xeebta dib ugu soo laabteen,"" ayuu yiri markaas. ""Waxaan ku dhahay iga joojiya mahadcelinta, way dhammaatay howsha. Kaliya waxay qeyb ka ahayd shaqadeyda'.""" https://www.bbc.com/somali/war-52093279 +business Shaqaalaha: Britain oo raadineysa kumannaan qof oo laga doonayo inay leeyihiin xirfado gaar ah "Ilaa 10,500 oo ajaanib ah oo isugu jira darwaliinta gawaarida xamuulka ah iyo shaqaalaha kawaannada ayaa loo oggolaan doonaa in ay shaqo u tagaan UK ilaa dabayaaqada sanadkan, oo ku beegan marka ay billaabaneyso ciidda masiixiyiinta. Dowladda ayaa xaqiijisay in 5,000 oo ah darawaliinta baabuurta qaada shidaalka iyo kuwa kale ee xamuulka ay heli doonaan dal ku gal saddex bilood ah oo ay ku joogi doonaan waddankaas. Barnaamijkan ayaa sidoo kale la filayaa in lasii ballaariyo oo lagu kordhiyo shaqaale gaaraya 5,500 oo kale. Wasiirka gaadiidka, Grant Shapps, ayaa sheegay in tallaabadan "" ay qayb ka tahay diyaargarowga loogu jiro in xaaladda ay sidii loogu talogalay ahaato"" waqtiga lagu jiro fantasyaha. Balse Rugta Ganacsiga ee Britain ayaa sheegtay in go'aanka kasoo baxay dowladda uu la mid yahay ""galaas biyo ah oo lagu shubay dad aad u weyn"". Sidoo kale ururka gaadiidleyda ayaa sheegay in arrintani ""ay tahay mid aan wax saas ah ka qabaneynin baahida, waqtiga la qabtay ee ilaa dhammaadka sanadka ahna uu yahay mid aad u gaaban"". Hase yeeshee, go'aankan waxaa aad usoo dhaweeyay ururka xirfadleyaasha warshadaha UK, oo ku tilmaamay ""tallaabo weyn oo loo qaaday xallinta dhibaatada xamuulka"". Darawaliinta gawaarida xamuulka ah oo yaraaday waxay sababtay culeys badan oo dhibaato ku noqday warshadaha bilihii lasoo dhaafay. Saameynta ayaa gaartay laga billaabo suuqyada yar yar ilaa dukaamada cuntada fudud lagu iibiyo. Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay, qaar ka mid ah waxaa yaraaday kala gudbintii badeecooyinka shidaalka, taasoo horseedday in safaf dhaadheer loo galo kaalmaha laga iibsado shidaalka. Arrintaas ayaa dhacday xilli ay golaha wasiirrada ku adkeysteen in UK ay heysato shidaal aad u badan. Marka laga soo tago oggolaanshaha dadka ajaanibta ah ay ku imaanayaan UK, arrimaha kale ee ay dowladdu ku dhawaaqday waxaa ka mid ah in la kordhin doono howsha lagu hubiyo gawaarida waaweyn ee badeecooyinka qaada. Sidoo kale, ku dhawaad hal milyan oo ah darawaliinta heysta shatiga gawaarida waaweyn ayaa loo diri doonaa warqado looga codsanayo inay shaqo usoo doontaan warshadaha. Wasaaradda gaadiidka ayaa sheegtay in si dhakhso ah tababar loo siin doono ilaa 4,000 oo qof oo noqon doona darawaliinta baabuurta waaweyn. Koorsooyinka ayaa noqon doona kuwo bilaash ah oo ay maalgelineyso waaxda waxbarashada. Ururka ay ku bahoobeen dadka dadka isticmaala adeegyada tafaariikqda ah ee Britain ayaa sheegay in tirada dal ku galka ee lagu yaboohay ""ay san wax wen ka qaban karin baahida taagan"". Waxay sheegeen in dukaamada waaweyn oo kaliya ay u baahan yihiin 15,000 oo darawaliinta gaadiidka xamuulka ah oo dheeraad ah, si ay shaqada u fuliyaan waqtiga ka horreeya fasaxa fantasyada ciidda masiixiyiinta. Madaxa Rugta Ganacsiga Britain, Baroness McGregor-Smith, ayaa isagana sheegay in tallaabada la qaaday ay tahay ""mid aan waxba tareynin"". ""Ma aha mid wax ka qaban karta heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada,"" ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/war-58696162 +technology Faa'iidada muhiimka ah ee quraacda "Cunista quraac badan iyo casho yar ayaa kaa caawin karta dhimista miisaankaaga, ayay yiraahdeen cilmi-baareyaashu. Markii ay saynisyahannadu sameynayeen cilmi-baarista waxay si sax ah u xakameeyeen cuntada dadka, si ay isu barbar dhigaan saamaynta quraacda culus iyo cashada culus. Kooxda Jaamacadda Aberdeen waxay dadkii ay tijaabiyeen ka heleen dad dhimay kalooris, si isku mid ah mar kasta oo ay cunaan cuntadooda ugu culus ee maalinta. Laakiin, rabitaankooda cuntada ayaa si aad ah hoos ugu dhacay kaddib markii ay billaabeen cunista quraacda culus, taas oo sahlaysa in uu qofka ka taxaddaro dheelitirka cuntadiisa. Cilmi-baareyaashu waxaa kale oo u soo baxday hal fikrad oo ah in habeenku uu yahay wakhtiga ugu xun ee cunto la cuno, sababtoo ah saacaddaas dheef-shiidka ayaa cuntada u beddelaya kiimiko, gaar ahaan marka uu qofku hurdo. Dadka cilmi barista ka qeyb qaatay oo 30 qof ahaa ayaa dhammaan loo diyaarinayay quraac, qado iyo casho in ka badan labo bil, iyadoo maalintii loogu dararay 1,700 oo kaloori. Waxay hal bil cunayeen quraac aad culus iyagoo isticmaalaya ku dhawaad ​​kala bar kalooriga maalinlaha ah, kaddibna waxaa xigay qado iyo casho fudud, halka bisha kalena ay cunayeen cunto culus fiidkii beddelkii subaxdii. Dheef-shiidka dadka ayaa si sax ah loo cabbiray iyadoo la adeegsanayo biyo ka culus biyaha caadiga ah, kuwaas oo si fudud loola socon karo marka ay jirka ka baxayaan. Natiijooyinka, oo lagu daabacay joornaalka Cell Metabolism, ayaa lagu ogaaday in wakhtiga cuntada culus ay cunayeen aanay wax farqi ah jirin, gaar ahaan inta kaloori ee uu jirku gubay, heerka dheef-shiidka kiimikaadka ama miisaanka qofka ka dhacay. Farqiga ugu muhiimsan wuxuu ahaa rabitaanka cuntada ama heerka gaajada, kaas oo lagu xakameynayay quraacda culus. Prof Alexandra Johnstone waxa ay sheegtay in ay u badan tahay in cilmi-baaristan ay muhiim u tahay dunida, gaar ahaan marka laga hadlayo caddadka cuntada ee uu qofka cunayo. Waxay tiri: ""Daraasaddu waxay soo jeedineysaa, xakamaynta rabitaanka cuntada, iyo cunista quraacda culus. ""Haddii aad maalintaada ku billaabi karto quraac culus oo caafimaad leh, waxaad u badan tahay inaad ilaaliso heerarka dhaqdhaqaaqa jireed oo aad ilaaliso xakamaynta rabitaanka cuntada inta ka harsan maalinta."" Quraacda daraasadda lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ahaa maraqa, caano fadhi ah, ukun, iyo sausages, waxayna dhammaan ka koobnaayeen borotiinno badan oo dadka ka caawiya inay dareemaan dhereg. Ma cadda sababta quraacda culus ay hoos ugu dhigto rabitaanka cuntada. Cilmi-baareyaashu waxay sheegeen inay aad uga dhib badan tahay marka loo eego caloosha oo buuxda subaxdii kaddibna la seexdo marka ay maran tahay." https://www.bbc.com/somali/articles/c4ne3nylzeko +technology TikTok oo sanadkan kaalinta koowaad ka qaaday Google TikTok ayaa kaalinta koowaad ee baraha internet-ka loogu isticmaal badan yahay ka qaaday shirkadda Google oo kaalintaasi heysatay toban sano oo xiriir ah. Bartan muuqaallada la iskula wadaago ayaa ka caansan barta Google ee wax laga baaro, sidalaga soo xigtay Cloudflare, oo ah barta ammaanka teknolojiyadda. Xogta ayaa muujineysa in TikTok uu Google ka saaray booska koowaad bishii February, March iyo June ee sanadkan, uuna booska koowaad qabtay tan iyo bishii August. Sanadkii la soo dhaafay Google ayaa kaalinta hore ku jiray, iyo dhowr baraha internet-ka oo ay ka mid yihiin TikTok, Amazon, Apple, Facebook, Microsoft iyo Netflix oo dhammaantood soo galay kaalmaha 10. Cloudfare ayaa sheegtay inay isticmaasho aaladdeeda kormeerta isticmaalka baraha internet-ka. Waxaa la rumeysan yahay in mid ka mid ah sababaha ay u sii kobceyso caannimada Tiktok ay tahay musiibada Corona, maaddaama bandowga awgii ay dadku guryaha ku xayirmeen ayna baadigoob u galeen waxyaabo ay ku madadaashaan. Iyadoo bishii July ee sanadkan, App-ka TikTok ayaa la soo dejistay in ka badan saddex bilyan oo jeer, sida laga soo xigtay shirkadda xogaha ee Sensor Tower. Shirkaddan baraha bulshada, ee ay leedahay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Bytedance, ayaa haatan waxaa isticmaala in ka badan hal bilyan oo qof oo daafaha dunida ku kala nool, tiradaas ayaana sii kordheysa. Gudaha Shiinaha, si loo ilaaliyo shuruucda waxaa shirkaddan looga yaqaannaa Douyin. Douyin waxay markii ugu horreysay soo baxday bishii September 2016. Sanadkan, Shiinaha ayaa soo saaray amar ah in dadka ay da'dodu ka yar tahay 14 loo oggolaan doono inay bartaasi isticmaalaan 40 daqiiqo maalintii. TikTok waxaa si rasmi ah loo furay sanadkii 2018, kaddib markii uu ku milmay shirkad kale oo Shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo, Musical.ly, oo ah barnaamij dadka u oggolaanaya inay heesaha qaab jilitaan ah u qaadaan. Shirkadda ayaa waxaa la soo gudboonaaday caqabado badan. Sanadkii 2019, si ku meel gaar ah ayaa looga mamnuucay Hindiya, shirkad wax baarta oo Mareyanka laga leeyahay ayaa sheegtay in Musical.ly ay oggoshahay waxyaabaha ay soo dhigaan da'yarta waxaana lagu ganaaxay £ 4.3 milyan. Shirkaddan oo noqotay App-ka ugu caansan Shiinaha, siyaasiyiin iyo shirkado kale ayaa walaac ka muujiyay ammaanka shirkaddan. Sanadkii la soo dhaafay TikTok ayaa lagu qasbay inay ka falceliso inay maamusho dowladda Shiinaha. Theo Bertram, oo ah madaxa siyaasadda bulshada ee TikTok dalalka Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika, ayaa sheegay inay diidi doonto dalab walba oo uga yimaada Shiinaha oo ay xogta dadk aisticmaala ku dalbaneyso. App-kan waxaa la iskula wadaagaa muuqaallo gaagaaban, madadaalo, qoob ka cayaar iyo siyaasad. https://www.bbc.com/somali/war-59791991 +politics Maxay Itoobiya kumannaankan qof dacwad ugu soo oogeysaa? "Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu dacwad ku soo oogay dad ka badan 5,700 qof oo lala xiriiriyey rabshadihi dalkaasi Itoobiya ka dhacay ee ka dhashay dilki loo geystay fannaanki la dilay Hachaalu Hundheesaa. Xeer Ilaaliyuhu wuxuu sheegay fal-dambiyeedyadi dalka Itoobiya ka dhacay wixi ka dambeeyey marki la dilay fannaanki caanka ahaa Hachaaluu Hundheesaa baaritaanki uu ku waday inuu haatan soo gabagabeeyey. Xeer ilaaiyaha Guud ee dalka Itoobiya iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee deegaanka Oromada oo shir jaraa'id oo wadajir ah qabtay waxay sheegeen 5,728-ka qof in lagu soo oogay dacwad ah iney dalka ka abuuri rabeen dagaal sokeeye. Ku Xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Fiqaadu Tsegga wuxuu sheegay baaritaanka kiiska xubnahan dacwadda lagu soo oogay iney ka qayb qaateen Xeer Ilaaliyaha guud ee Federaalka, Xeer ilaaliyaha guud ee deegaanka Oromada, Booliska federaalka iyo Booliska Dowlad Deegaanka Oromiya. Dadkaasi dacwadda lagu soo ogayna xeer ilaaliyuhu wuxuu u kala qaaday 3,377 oo ka mid ah iney kiiskooda dowladda dhexe gacanta ku hayso halka 2,351 qofna kiiskooda uu gacanta ku hayo deegaanka Oromiya. ""Waxaana xubnahaasi laga diyaariyey 114 kiis uu Xeer ilaaliyaha guud ee Federaalka Gacanta ku hayo iyo 374 deegaanka Oromiya gacanta ku hayso"" ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Fiqaadu Tsegga. Xeer ilaaliyaha guud ee Federaalka Itoobiya Gediyon Timotiyos wuxuu isna sheegay dadka lala xiriiriyey rabshadihi ka dhashay dilki loo geystay Fannaan Hachaaluu Hundheesaa dhageysiga dacwaddooda iney billaabmeyso toddobaadka soo socda. Dhinaca kale xarigga ay dowladda Itoobiya u geysatay dadkaasi faraha badan kooxaha dhaliila waxay xariggaasi ku timaameen xarig wadareed iyaga oo sheegay dadka falkaasi looga shakisan yahay inay tiradoodu aad u yar tahay. balse ay dowladdu dad aad u badan xirxirtay. Xubnaha ay dowladda Itoobiya gacanta ku hayso ee dhageysiga dacwaddoodda la billaabayo waxaa ka mid ah ayuu yiri xeer ilaaliyuhu, siyaasyiin balse siyaasiyiintaasi aan loo qaban aragtida siyaasadeed ee ay aaminsan yahay balse loo qabtay qalalaasihi dalka Itoobiya ka dhacay doorki ay ku lahaayeen. Xeer ilaaliyaha Guud ee Fedraalka wuxuu intaasi ku daray dadka dhacdadaasi looga shakisanaa ee ay dowladda qabatay oo aad u badnaa iyo fal dambiyeedka dhacay oo aad u ballaadhnaa awgii iney baaritaanka ay muddo dheer ku qaadatay. Rabshadihi ka dhacay deegaanka Oromada ee ka dhashay dilki loo geystay fannaanka Hachaaluu Hundheesaa waxaa ku dhintay 167 qof halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 360 qof, waxaana ku burburtay hanti lagu qayaaso 150 malyan oo doolar." https://www.bbc.com/somali/war-54309123 +technology Facebook oo tirtay iyo Twitter oo qarisay farriin Trump uu soo dhigay oo ku saabsan Covid-19 "Facebook ayaa tirtay farriin madaxweyne Trump uu ku sheegay Covid-19 inuu ka 'halis yar yahay' hargabka. Mr Trump ayaa haatan ku sugan aqalka cad kaddib marki seddex maalmood uu ku jiray isbitaal oo laga dabiibay faayraska corona ee laga helay. Wuxuuna farriintiisa uu ku qoray Mareykanka inuu bartay 'sida loo noolaan karo xilliga hargabka', sida aan u barannay iney dad badan la noolaadaan Covid-19, maadaamaa ay halistiisu yar tahay!!!"" Twitter-ka ayaa sida oo kale farriintaasi lafteeda qariyey iyada oo sheegtay ""iney farriintaasi marin habaabineyso bulshada farriin khaldanna ay gudbineyso"". ""Waxaan tirnay farriin khaldan oo ku saabsan khatarta uu leeyahay Covid-19, hadda ayaanna farriintaasi tirnay,"" ayuu yiri Andy Stone oo ah Maareeyaha isgaarsiinta Facebook. Tirada rasmiga ah ee xaddiga dhimashada ee Covid-19 lama oga, balse waxaa loo maleynayaa iney aad uga sarreyso noocyada hargabka, suuragalna ay tahay 10 jeer ama ka badan iney ka badan tahay, sida ay sheegtay Jaamacadda John Hopkins. Facebook ayaa sheegay madaxweynaha inuu ku xadgudbay sharciga u yaalla baraha bulshada ee ah inaan la soo dhigin farriimo khaldan, baraha nulshadana ay mas'uul ka ahayn waxayaabaha ay bogaggooda soo dhigaan macamiishooda. Balse shirkaddu wuxuu sharicgu u fasaxayaa iney faraha la gasho ""ayna tirto ama xayirto"", farriimaha ay u aragto iney xambaarsan yihiin aflagaaddo, xadgudub ama colaad. Sharcigaasi haddii lagu xadgudbana, baraha bulshada waxay wajihi doonaan dacwado la xiriira iney wax ka beddeleen ama isbeddelka ay ku sameeyeen waxa uu qofka isticmaala baraha bulshada uu soo dhigay. Waa marki labaad oo ay Facebook tirto farriin uu madaxweynaha soo dhigay. Twitter ayaase marar badan sameysay iney tirto ama ay digniin u dirto madaxweynaha farriimo uu bartiisa soo dhigay awgood. Labadaasi shabakadood ee baraha bulshada ugu waaweyn ayaa wacad ku maray iney la dagaallami doonaan farriimaha khaladan ee halista ku ah faayraska. Balse Mr Trump oo arrintan ka hadlay ayaa arrinta u arko shirkadda iney tifatirtay farriintiisa. Bishi May ayey ahayd marki ugu horreysay oo ay Twitter farriin digniin ah u dhigtay barta madaxweynaha uu ku leeyahay, taasoo sababtay inuu madaxweyne Trump amar sare uu ka bixiyo Faqradda 230-aad ee sharciga arrintan shirkadda u fasaxayo in wax laga beddelo. Amarka madaxweynahana waxaa soo dhaweeyey dhinacya badan oo sababa kala duwan arrintan u xiiseynayey. Muxuu yahay amarkan cusub ee uu saxiixay Trump? Amarkan madaxwayne ayaa amraya in la sii qeexo sharciga isgaarsiinta oo ah sharci ka jira Mareykanka kaasi oo xaaladaha qaar difaacaya shirkadaha online-ka sida Facebook, Twitter iyo shirkadda YouTube. Faqraada 230 ee sharcigani, ayaa shirkadaha baraha bulshada waxa aysan qaadayn masuuliyadda qoaraalada ay soo dhigaan dadka barahooda isticmaala, balse waxay hawada ka saari karaan"" qoraalada aflagaadada iyo anshax xumada ku saabsan. Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa ""sida ugu dhaqsiyaha badan"" u bilaabi doona isku dubaridka amarkan cusub si ay aqalka congreska ugu codeeyaan." https://www.bbc.com/somali/war-54443888 +entertainment 3 filim oo Shah Rukh Khan uu uga yaabiyay Bollywood-ka "Maanta oo Sabti ah waxay ku beegan tahay 30 sano kaddib markii uu Sharukh Khan kusoo biiray xirfadda jilista iyo shirkadda Bollywood-ka. Filimkiisii ugu horreeyay abid, oo lagu magacaabo Deewana, waxa uu soo baxay maanta oo kale sanadkii 1992-kii. Labadii filim ee ku xigtay ayuu sidoo kale gabi ahaanba ku qabsaday Bollywood-ka, kuwaasoo kala ahaa Baazigar iyo Darr oo soo baxay sanadkii ku xigay ee 1993-kii. Dhowr sano kaddib, shaki kuma jirin in uu ahaa hoggaamiyaha cusub ee filimada Hindiya. 15-kii sano ee xigtay markii uu Bollywood-ka kusoo biiray waxa uu soo saaray filimo aad looga daba dhacay oo sanad kasta uu ku gilgilayay shaleemooyinka, guulo waawaynna uu uga soo hoyiyay box office-ka iibsada aflaanta. Laakiin tobankii sano ee lasoo dhaafay waxa uu Shah Rukh Khan u muuqday in uu hoos u dhac samaynayay, isagoo ay ka fashilmeen dhowr filim oo uu soo dhigay. Hase yeeshee tan iyo markii uu atooraha noqday ilaa hadda ma uusan soo bixin jilaa kale oo gaaray heerkiisa, ama darajada afka qalaad lagu dhaho ""Superstar"" oo micnaheedu yahay xiddigga ugu sarreeya. Xilligii uu heerka ugu sarreeyay joogay Shahrukh Khan, oo lagu naanaysay ""Boqorka Bollywood-ka"" waxa uu ku beegnaa intii u dhaxaysay bartamihii 1990-meeyadii ilaa dabayaaqadii 2000. Darajada xiddigga ugu sarreeya waxa uu gaaray dhowr sano kaddib markii uu soo afjarmay waayihii wacnaa ee jilaaga Amitabh Bachchan, oo ay Soomaalida u taqaanno ""Cali Dheere"", kaasoo qudhiisa xilka xiddignimada sare kala wareegay Rajesh Khanna. Haddii taariikhda atooreyaasha Hindiya dib loo raaco way is daba taxan yihiin xiddigaha waawayn ee Bollywood-ka ilaa laga gaaro Dilip Kumar oo shaleemooyinka haystay 1940-meeyadii. Balse hadda, tobankii sano ee lasoo dhaafay, oo Sharukh Khan uu hoos u dhacay, ma jirin jilaa kale oo heerkiisa gaaray, waana muddadii ugu dheereyd ee ay sidaas dhacdo, sida uu qoray wargayska Hindustan Times. Laga billaabo Akshay Kumar iyo Ranveer Singh ilaa Salman Khan iyo Aamir Khan, atooreyaashii caanka ahaa ee Bollywoodka waxay gaareen guulo waawayn, laakiin midna ma uusan loodinin Shahrukh Khan, lagumana tilmaamin ""Xiddig Sare"". Aamir Khan filimadiisa laga daba dhacay ma ahayn kuwo is daba joog ah, halka Akshay Kumar iyo Salman Khan ay la kulmeen caqabado lasoo gudboonaaday filimadooda. Ranveer oo hadda ay aad ugu jeedaan indhaha qudhiisana wali ma uusan xaqiijinin inuu gaari karo darajada ""Xiddigga ugu sarreeya"". Haddii Bollywood-ka uu sidan kusii socdo waxaa suuragal ah in aan waligeed la arkin jilaa lala barbar dhigo Sharukh Khan, sida ay warbaahinta Hindiya badankood ku warrameen." https://www.bbc.com/somali/articles/cp3nzdpgj7do +health Coronavirus: Tijaabada talaalka Covid-19 oo soo gaartay Kenya "Mid ka mid ah xarumaha cilmibaarista caafimaadka ee ugu waaweyn dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gacan ka geysaneyso tijaabada tallaalka cusub ee ay Jaamacadda Oxford usoo saartay cudurka Covid-19. Magaalada Kilifi ee ku taalla gobolka Xeebta ee waddanka Kenya ayaa laga billaabi doonaa howlaha tijaabada tallaalka. Mas'uuliyiinta xaruntan oo lagu magacaabo Kemri-Wellcome trust ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan diiwaan galinta 400 oo shaqaale caafimaad ah oo la filayo inay isu xilqaamaan ka qeyb qaadashada tijaabada. Howshan ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaalka loogu jiro waxa loogu yeeray ""tallaal dadka oo dhan anfaca"". Guud ahaan dunida waxaa ka socda tartan ay cilmibaareyaasha iyo seynisyahannada ugu jiraan sidii dawo loogu heli lahaa cudurka safmarka ah ee faraha ba'an ku haya caalamka, ee Covid-19. Mid ka mid ah kooxaha hoggaaminaya howsha raadinta tallaalka wuxuu saldhiggooda yahay Jaamacadda Oxford ee dalka UK - halkaasoo ay ka wadaan tijaabada dawada xalka u noqon karta cudurka oo lagu magacaabay ChAdOx1 nCoV-19 - taasoo lagu tijaabinayo in ka badan kun qof oo ku sugan UK. Hadda waxaa dadaalka kusoo biiray cilmibaareyaasha Kenya. Afarta boqol ee qof ee tijaabada isu xilqaamaya ayaa laga doonayaa inay da'dooda ka sarreyso 18 sano, ayna yihiin shaqaale caafimaad oo rasmi ah, kuna sugan magaalo xeebeedka Kilifi. Waxaa jiray muran hareeyay fikradda ku saabsan in tallaalka cudurrada lagu tijaabiyo qaaradda Afrika, laakiin cilmibaareyaashu waxay sheegeen inay oggolaansho sharci ah raadin doonaan ka hor inta aysan tijaabada guda galin. Waxaa jira sheekooyin dhawr ah oo cabsi ah oo la xiriira in tijaabooyinka tallaalka fayraska korona lagu sameeyo dadka ku sugan Afrika. Si kastaba ha ahaatee, saynisyahannada ayaa sheegaya inay muhiim tahay in Afrikaanku ay ka qayb qaataan tijaabooyinkan, iyagoo ku doodaya inay xagal daacin karto dadaallada lagu doonayo in lagu helo tallaal ka shaqeeya guud ahaan aduunka - oo aan u gaar aheyn dalalka hodonka ah. Bishii Maarso, Tedros Adhanom Ghebreyesus, madaxa hay'adda caafimaadka aduunka (WHO), ayaa ku dhawaaqay ""Tallaal mideysan"" oo aduunku u helo balanqaadyada dawo loo helo Covid19, oo ah cudurka asiiba neefmareenka ee uu sababo fayraska Karona. Maaddaamma aan la helin daawo ilaa iyo hadda, tallaal shaqeyn kara wuxuu door weyn ka qaadan lahaa ka hortagga iyo xakameynta cudurka,sida ay sheegtay WHO. Tallaalka habka difaaca jirka ee dadka wuxuu bari lahaa in uu la dagaalamo fayraska si uu uga hortago inay bukoodaan. Tallaalka Covid-19 wuxuu ogolaanayaa in xayiraadaha la qaado si nabadgalyo ah, isla markaana laga nasto nidaamka kala dheeraanshaha bulshada Illaa iyo hadda tijaabada hal tallaal ayaa ka bilowday Koonfur Afrika - mid kalena ogolaanshihiisa ayaa laga filayaa Kenya. Balse arintan waxaa hareeysay dood. Inkastoo doodda mucaaradka ku ah nooc kasta oo ka mid ah talaallada aysan aheyn wax cusub, doodda hadda ka taagan Afrika waxay ku saleysan tahay isir-kala sooc." https://www.bbc.com/somali/52811824 +business "Ganacsatada jaadka ee Kenya oo ka carooday ""tallaabo ay qaaday dowladda Soomaaliya""" "Ganacsatada khaadka ama jaadka ee dalka kenya ayaa sheegay inay khasaareen kumanaan doollar kadib markii sida ay sheegeen diyaarad siday khaad dhan 13.6 tan oo u socotay magaalada Hargeysa ee Somaliland hawada laga soo celiyay. Nyambene oo ah guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada jaadka ee Kenya oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ee Kenya ayaa sheegay in diyaaradaas siday jaadka hawada laga soo celiyay maalintii sabtida, inkastoo oo uu sheegay in markii hore loo oggolaaday in ay jaad halkaas geyso. Falkan ayay ganacsatada sheegeen in ay ka caroodeen, wuxuuna intaa raaciyay in lacag dhan 80 kun oo doollar ay khasaarayan haddii aanan jaadka lagu geynin xilliga loogu tala-galay. ""Jaadkaas qiimihiisu wuxuu ahaa 30 kun oo doollar, 25 kun oo doollar waxay noqoneysaa gaadiidka lagu qaadayo oo aan dib loo soo celin karin, waxaanu oggolaansho ka helnay hey'adda duulista rayidka ee Somaliland, waxwalbana sidii la rabay ayay ku socdeen ilaa markii dambe diyaaradda ay gashay hawada Soomaaliya, duuliyihii diyaaraddana lagu yiri waxaad siddaa shixnad sharci darro ah ee dib u laabo,""ayuu yiri Munjuri oo la hadlayay wargeydka Standard ee dalka Kenya. Jaadkii saarnaa diyaaradda lasoo celiyay ayay sheegeen in haatan uu dhooban yahay garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi, waxayna dalbadeen inay ogaadaan sababta loo soo celiyay diyaaradda. Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in helitaanka suuqa jaadka ee Somaliland ay ahayd arrin ay ku farxeen markii hore, culeys weynna ka qaaday, maadaama ay suuq la'aan ku dhacday jaadka tan iyo markii uu dunida ka dilaacay feyraska corona. ""Waxaan isku dayeynay in dib loo furo xadka aynu la wadaagno Soomaaliya, si loo fududeeyo ganacsiga, balse waxay u muuqataa in aysan waxba kala soconin"", ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Hargeysa oo inta badan jaadka uu uga iman jiray dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in khaad la'aan ay ka jirto, kadib markii ay rabshado ka dhaceen deegaanka Oromada oo ah halka laga keeni jiray. Ganacsatada uu saameyay arrintan ayaa ah kuwa deegaanada Karama, Athiru, iyo Kanjoo ee dalka Kenya, kuwaas oo jaad tayadiisu sareyso u dhoofin jiray Soomaaliya. ""Kahor xanuunka corona, waxaan iibinta jaadka bil walba ka heli jiray soddon kun oo dollar, waxaana mushaar siin jiray shaqaale dhan 50 qof, balse qaar badan oo kamid hadda waa shaqo la'aan, kuwaas oo qaar kamid ah hadda ay anniga igu tiirsan yihiin, noolasha way nagu adag tahay hadda,""ayuu yiri Lichoro oo kamid ah ganacsatada khaadka oo la hadlayay wargeyska Nation. Warbaahinta kenya ayaa kusoo warrantay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaaradda siday khaadka, si loo yareeyo faafidda feyraska Corona, haseyeeshee BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto sax ahaanshaha warkaas. Maamulka hawada ayaa kamid ahaa waxyaabihii dhawaan Jabuuti ay uga wada hadleen dowladda federaalka iyo Somaliland, inkastoo aanan la garaneynin waxyaabaha lagu heshiiyay. Cabashada ganacsatada jaadka ee dalka Kenya ayaa kusoo aaday xilli dhawaan magaalaad Hargeysa ay tageen wafdi ka socday dowladda Kenya iyo ganacsato uu hogaaminayay xildhibaan Junet Maxamed." https://www.bbc.com/somali/53304235 +religion Maxkamadda sare ee Hindiya oo Amar dul-dhigtay haweeneydii Nabiga (NNKH) aflagaadeysay "Maxkamadda sare ee dalka Hindiya ayaa amar ku bixisay in afhayeenki hore ee Xisbiga BJP Nupur Sharma ay telefishinka qaranka ee dalkaas iyadoo ka soo muuqaneysa ay raalligelin rasmi ah ka bixiso aflagaaddadi ay Nabiga (NNKH) u geysatay. Maxkamadda sare ee dalka Hindiya oo maanta dhageysatay dacwadda aflagaaddadii ay Nabi Muxammed (NNKH) u geysatay haweeneydaas ayaa bixisay amar aysan Sharma ku farxin. Dhegeysiga dacwadda oo uu horkacayay garsooraha maxkamadda sare Surya Kant, waxaa goobjoog ka ahaa xubno Xisbiga BJP ka tirsan. Maxkamaddu waxay sheegtay, “Carrabka Sharma inuu silbaday. Ereyadii foosha xumaa oo ka soo yeerayna ay gilgileen dalka Hindiya oo dhan. Ugu dambeyntiina, waxaa ka dhashay falal ay ka mid yihiin dilkii ka dhacay magaalada Udaipur.” Qareenka u doodaya Napur Sharma wuxuu maxkamadda horteeda ka sheegay “inay markiiba raalligelin ka bixisay, ayna codsatay qaladka ka dhacay in laga cafiyo.” Maxkamaddu waxay sidoo kale sheegtay, “Waqti dheer inay ku qaadatay raalligelin inay bixiso. Iyadoo raalligelinteeda ay shuruud la socotay. Hadalladeeduna ay ahaayeen kuwo uu kibir ka muuqday. Marka waa inay telefishinka qaranka hortagtaa oo ay raalligelin rasmi ah bixisaa. Mana aha inay arrinta dhayalsato, maaddaama ay afhayeen u tahay xisbi dhan.” “Baaritaanka iyo dacwadda ku saabsan aflagaaddada loo geystay Nabi Muxammed (NNKH) ee haatan socda, waan sii wadi doonnaa,"" ayay tiri maxkamaddu. Hindiya waxay toddobaadyadii u dambeeysay wajaheysay cadaadis diblumaasiyadeed oo ka dhashay hadallo muran badan dhaliyay oo sarkaal sare oo xubin ka ah xisbiga maamulka dalkaas haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ay ku aflagadeysay Nebi Muxamed (NNKH). Nupur Sharma ayaa 21 maalin ka hor ku kacday gefkaasi, kaddib markii ay ka qaybgashay dood TV, arrintaasi oo ka careysiisay Muslimiinta Hindiya, iyo in ka badan 12 dowlad oo Muslim ah. Labo iyo tobankii Juun, xisbiga BJP ayaa shaqada ka joojiyay Sharma. Waxaa kaloo isna shaqada laga joojiyay madaxa qaybta warbaahinta Delhi ee xisbiga, Naveen Kumar Jindal, kaddib markii uu dadka la wadaagay sawirka aflagaaddada ah. Xisbiga BJP ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu ka soo horjeedo fikir kasta oo aflagaadeynaya ama hoos u dhigaya koox ama diin, waxa uuna intaasi ku daray in aysan ""taageerin dadkaas ama falsafadda ay aamminsan yihiin"". Diblumaasiyiinta Hindiya ayaa isku dayaya in ay ka dhaadhiciyaan waddamada Islaamka ee aad uga carooday gefka Nebiga (NNKH), waxay sheegeen in faallooyinka aysan ka tarjumayn mowqifka dowladda oo ay yihiin ""aragtida xagjirka"" Dalal badan oo Muslin ah oo ay ku jiraan Kuwait, Qadar iyo Iran ayaa u yeeray safiirrada Hindiya si ay u muujiyaan caradooda ka dhanka ah arrintan, halka ay waddama badanna ay Delhi ka dalbadeen raalligelin dadweyne." https://www.bbc.com/somali/articles/c2q5dp92prwo +politics John F Kennedy: Madaxweynihii wada qaabilay hogaamiyeyaashii dalalkii Afrika ee markaa xoroobay "Maqaalada taxanaha ah ee ay BBC-da u soo diraan saxafiyiinta reer Afrika, waxaan maanta idiin ku haynaa sawirro uu arkiifiyada ka soo madhay qoraaga reer Sierra Leon iyo Gabmia labadaba, Ade Daramy, oo muujinaya madaxweynihii Maraykanka, John F Kennedy, ee seeska u dhigay xidhiidhka Afrika iyo Maraykanka. Intii aanu noqon madaxweynaha 1961, dalkiisu wax badan iskuma deyin inuu fahmo isbedelkii degdegga ahaa ee Afrika ka socday. Laakiin markii la dilay 1963, wax badan baa iska bedelay xaaladda. Sawirradii ugu cajiibsanaa caleema saarka Biden Mudadii koobnayd ee uu xilk ahayey, Kennedy wuxuu Aqalka Cad ku soo dhaweeyey dhammaan madaxda dalalkii Afrika ee xoroobay ama danjireyaashooda. Nin 20 sano raadinayay lacag uu xaday Madaxweyne dhintay Golaha ammaanka oo cunaqabateeyey hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab Sannad ka hor markii uu xilka qabtay, 17 dal oo Afrikaan ah ayaa xoroobay, markaas isaga oo dareensan in dunidu isbedelayso ayaa Kennedy gartay in xidhiidh cusub oo lala yeesho Afrika ma huraan yahay. Xidhiidhkaa waxa lagu saleeyey in la taageero dalalka xoroobay ee Afrika. Siyaasaddaas arimaha dibadda ee waagaa unkantay muddo dheer ayay soo jirtay kana dabbaalatay caqabado soo food saaray ilaa la soo gaadhay in Madaxweyne Donald Trump ku bedelo qorshihiisii isaga u gaarka ahaa. Markii uu hogaanka qabtay, Kennedy wuxuu marti qaadyo u fidiyey madaxdii Afrika oo uu roog cas ku soo dhaweeyey. Booqashooyinkaa rasmiga ah waxa aad u buunbuunisay warbaahinta waxaana shacabka Maraykanka lagu tirtirsiyey in ay dariiqyada u soo baxaan oo soo dhaweeyaan. Kennedy iyo madaxda martida u ah ayaa waddooyinka waaweyn oo lagu dhejiyey dhambaallo soo dhawayn ah baabuur dusha ka furan ku mari jiray iyada oo ay shacab boodhadh sitaana si xamaasad leh u soo dhawaynayaan. Waa se marka cimiladu saamaxayso. Run ahaantii arintaas siyaasadi kama maqnayn. Midowgii Soofiyeeti qudhiisa ayaa arintaas oo kale isna samaynayey oo doonayey inuu soo jiito dalalka Afrika ee doonayey in ay ka fogaadaan gumaystayaashii u talin jiray. Markii uu xilka qabtay, Kennedy wuxuu ogaa in ay qasab ahayd inuu si dhakhso ah saaxiibo uga kasbado dalalkii Afrika ee xoroobayey. Bil ka dib markii xilka loo dhaariyey, ayuu madaxweyne ku xigeenkiisii, Lyndon B Johnson, u diray Senegal si uu ula kulmo Madaxweyne Léopold Sédar Sengho, oo uu u arkayey inuu ahaa nin isku doonaya inuu dalalkii Faransiisku gumaysan jiray xulufo ka dhigo. Maxay tahay hawsha guddiga ay ku heshiiyeen mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya? Muddo bil ah ka dibna Kennedy ayaa bilaabay barnaamijkii Peace Corps oo uu dhalin yaro Maraykan ah ugu dirayey dunida oo dhan. Bishii Ogost 1961 wuxuu Aqalka Cad ku marti qaaday kooxdii u horraysay ee mutadawaciin ah ee tagaysay Ghana iyo Tanganyika. Dilka geesigii xorriyada Congo, Partice Lumumba, ee tuhunkuna ka jiray in sirdoonka Maraykanka ee CIA ku lug lahaa, ayaa dhacay saddex cisho ka hor markii Kennedy xilka loo dhaariyey waxaanay arintaasi marag u tahay in Dagaalkii Qaboobaa qaaradda ku dhex marayey Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti. Geeridiisii lama filaanka ahayd aad baa looga dareemay Afrika, weliba marka la eego in aan ninkii xilka uga dambeeyey ee Johnson aanu xamaasadiisii oo kale ku wadin sii adkaynta xidhiidha Afrika iyo Maraykanka. Haatan 60 sano ka dib, Madaxweyne Joe Biden ayaa qorshaynaya qaabaynta siyaasadiisa ku waajahan Afrika. Warbixin uu horaantii bishan soo saaray ayuu ku sheegay in Maraykanku u heellan yahay inuu Afrika u noqdo ""dal ay wax wada qabsadaan, is taageereen oo ay is tixgelin ku wada dhaqmaan."" Erayadaa Biden waxay u eegyihiin heellanaantii Kennedy, waxaan se sugnaa waa in erayadaas ficil dhabeeyo iyo in kale." https://www.bbc.com/somali/war-56224449 +politics Soomaaliya oo ku gacan saydhay dalabka Kenya ee dib u dhigidda dacawadda badda "Balankii ay u qabatay Maxkamadda Caddaaladda Aduunku in ay ku dhegaysato garnaqsiga ugu dambeeya ee ay Kenya iyo Soomaaliya ka dhiibanayaan dacwadda dhextaal ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal ayaa ahaa bishan foodda inagu soo haysa ee Juun. Hase ahaateen sida ay muujinayaan dukumentiyo ay BBC-du aragtay oo labada dal u direen maxkamada, waxa soo if baxaya in ay Kenya dalbanayso in dacwadda dib loo dhigo muddo aan cayinayn sababo dhaqaale oo jira iyo culayska fayraska korona awgood. Laakiin Soomaaliya waxay doonaysaa in dhegaysiga garnaqsigu xiligii loo cayimay qabsoomo, waxaanay sida ku cad qoraallada ay maxkamadda u gudbisay ka cabaynaysaa cadaadis ay Kenya ku hayso oo arintaa la xidhiidha. Kenaya waxay sheegayaa in fayraska Karona uu saameyn ku yeeshay shaqada qareennada ku matalayay dacwadda oo ay sheegtay inay kala xayirmeen. Waxay Kenya sidoo kale sheegtay in xanuunka safmarka ah uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalkeeda iyada oo tilmaamtay in miisaaniyada dowladda dib loogu eegayo si ahmiyad loo siiyo arrimaha deg degga ah ee muhiimka ah sida la dagaalanka xanuunka fayraska Karona oo aanay lacag ay ku bixiso khidmadda qareenada haatan heli karin. Dowladda Soomaaliya: Arrimaha badda wada hadal kama furna Kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo marxalad cusub galay ""Shidaalka ay Soomaaliya suuqgeyneyso kuma jiro midka ay Kenya ku muran san yihiin"" Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda iyadoo ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda. Warqadda ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhigo iyadoo ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya. Ra'isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo BBC-du weydiisay in arintaasi tahay mid laga garaabi karo ayaa ku jawaabay: ""waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici karaynin, isu socodkii aanu jirin oo duulimaadyadii lagu tegi lahaa Hague aanay jirin oonay shaqaynayn oo dal walba albaabadu u xidhanyihiin. Hase yeeshee maxkamaddu waxay soo saartay in shaqadeedii ay wadi doonto habka maqalka iyo muuqaalka ahna ay dacwadaha ku dhegaysan doonto. Bishan Juun dalal dhawr ah ayaa dacwadahooda lagu dhegaysanayaa maqal iyo muuqaal, ilaa hada hal kiis ayay ku dhegaysatay, markhaatiyona way ku dhegaysatay maxkamadu maqal iyo muuqaal, markaa anaga waan ka hor nimi waan diidnay mawqifka Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa weeye in aan dacwadaas maalin dib loo dhigin, go'aankaas ayaanan u qornay maxkamada caalamiga ah ee aduunka laguna dhegaysto dacwada habka maqalka iyo muuqaalka ah ama video confrene oo ay maxkamadu hada gacanta ku hayso kana shaqaysay tijaabisayna"" Ra'isal wasaare ku xigeenka oo ay BBC-du weydiisay in uu faahfaahiyo cadaadiska dawladiisu sheegtay in ay Kenya saarayso ayaa ka gaabsaday in wuu wax cad farta ku fiiqo hase yeeshe ku gaabsadya jawaabtan oo uu yidhi ""horta mar walba waa jirtay in meel ka baxsan maxkamada ama ha noqoto African Union ama IGAD ha noqoto in rabitaanka Kenya uu ahaa in meel ka baxsan lagu qaado ama lagu dhegaysto sifo diblomaasiya, anagu se waxaanu aaminsanahay in ay tahay arintaas in la soo af-jaro maxkamadda gacanta ku haysaana ay ka garnaqo"", Dhanka Kenya ilaa haatan wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin oo ku saabsan waraaqahan ay ku kala aragtida duwan yihiin Soomaaliye ee ay u direen labada dalba Maxkamadda Cadaaladda Aduunka, hase yeeshee waxa la filayaa in ay maxkamaddu go'aanka ay ka gaadho codsigaa Kenya shaacin doono todobaadka dambe." https://www.bbc.com/somali/52687303 +politics "Nin Mareykan ah oo dacweeyay Faalalowgii ka ""saari waayay sixirka saaxiibtiisii hore""" "Nin Mareykan ah ayaa dacwad ku oogaya qof faalalow ah oo si been ah ugu sheegtay in ay ka saari karto ""sida looga sixray dhanka guurka"" kaa oo ay ka dambeysay sixirooley ay kireysatay saaxibtiisii hore. Mauro Restrepo ayaa sheegay in Sophia Adams ay u ballan qaaday inay badbaadin karto guurkiisa haddii uu bixiyo $ 5,100 dollar, si ay sixirka uga saarto, sida ku cad dacwad qiyaano la xiriirta oo loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Torrance. Ms Adams ayaa la sheegay inay u sheegtay Restrepo in isaga iyo qoyskiisa ""aysan farxad heli doonin oo ay qatar geli doonaan"" haddii aan sixirkii hayaa xal laga gaarin. Wuxuu hadda raadinayaa magdhow lacageed oo gaaraya $25,000. Dhowr eedeymo oo kale oo uu soo jeediyay Restrepo, waxaa ka mid ah, in uu ku soo oogay dacwado la xiriirta feejignaan la'aan, shirqool madani ah iyo si bareer ah oo taxadar la'aan ah ay u gaareen dhaawacyo dhanka shcuurta ah. Mr Restrepo wuxuu sheegay inuu la xiriiray Ms Adams, ka dib markii uu barta Google ka raadiyay xarunteeda Faalka ay ku sameyso. Bogga Internet-ka ee haweneyda wax faalisa waxay ku qoratay in ay tahay ""khabiirka jacaylka maskaxeed"" iyo macallin nololeed oo ""Ph.D"". Wuxuu gal-dacwadeedkiisa ku sheegay ""in uu aad ugu kalsoonaa in uu la xiriirayo qof khabiir ah oo ka caawin kara dhibaatada haysata"". Intii uu la joogay, waxay Ms Adams oo faalka u fiirineysay kaarar ay haysay, waxayna u sheegtay inuu ""nasiib xun yahay"", oo uu saaran yahay ""saaxir ay sameysay haweeney ay kireysatay saaxiibtiisii hore"". Waxay u sheegtay in haddii aan ""sixirka laga saarin ay baabi'in doonto Mr Restrepo, carruurtiisa iyo guurkiisa."" Caddeymaha maxkamadda la horgeeyay ayaa sidaa lagu qoray. In kastoo markii hore uu dhigay lacag gaareysay $1,000 dollar, haddana Restrepo wuxuu sheegayaa in haweeneydan lagu magacaabo Adams ""aysan sinnaba u caawinin badbaadinta guurkiisa"" wuxuuna la dhibtooday habeenno hurdo la'aan ah, welwel iyo murugo. Dacwadda waxay kaloo qeyb ka ah eedeysane Adams, ninkeeda, gabadheeda iyo milkiileyaasha guryaha." https://www.bbc.com/somali/war-58823364 +health Seynisyahan Soomaali ah oo uu ku dhacay Coronavirus "Xasan Cabdi Dhoorre waa Seynisyahan ka mid ah khubarada loo xil-saaray baaritaanka cudurka coronavirus ee dalka Ingiriiska, balse isagii ayuuba ku dhacay, walow hadda uu ka fiicnaaday. Wuxuuna sharraxay sidii uu uga caafdimaaday Coronavirus, isagoo wareysi siinayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da. ""Anigoo shaqada jooga ayuu xanuunku i qabtay, kaddibna waxaa la iisoo diray guriga. Ma jirto meel xaqiiqo ah oo aan dhihi karo cudurka halkaas ayuu iga soo raacay, laakiin waxaan raacayay tareennada ay dadka badan saaran yihiin iyo basaska"", ayuu yiri. Markii uu cuedurka ku dhacay wuxuu aad ugu sii xanuunsaday gurigiisa, halkaasoo uu isku karantiilayay. ""Xanuunkan wuxuu leeyahay qufac qallalan oo aysan waxba soo raaceynin. islamarkii aan guriga tagayba waxaa igu billowday qufacaas iyo qandho kulul, sidoo kalena waxaa i dhibayay naqaska"", ayuu yiri Xasan Cabdi Dhoorre. Dhoorre oo su'aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: ""Horta wali ma jirto daawo soo baxday oo uu cudurkan leeyahay, sababtoo ah waa xanuun adduunka ku cusub. Aniga waxaan qaadanayay dawooyin kaalmaati ah, sida qandho jabiyaha loo yaqaanno barastimoolka, kaasoo aan labo xabo ka cunayay markiiba, sidoo kalena waxaan cabayay biyo badan"", Hadda wuu ka caafimaaday xanuunka, wuxuuna dadka Soomaalida ah ku boorriyay inay aaminaan jiritaanka cudurkan, ayna aad uga taxadaraan. Wuxuu seynisyahankan sheegay in dawada coronavirus sameynteeda ay qaadan karto wax ka badan hal sano, xilli xanuunkan uu faro ba'an ku hayo inta badan dalalka caalamka. Dowladda Britain waxa ay shaacisay inay hawsha kala wareegtay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee maamula tareennada dalkaasi. Shirkaddaha ayaa laga codsaday inay aqbalaan heshiis degdeg ah oo looga gol leeyahay la dagaalanka cudurka saf-marka ah. Shirkaddii diiddo heshiiska ayaa waxaa si khasab ah looga qaadan doonaa shatiga iyo tareennada ay maamushaba. Dhanka kale dowladda ayaa laga filayaa tallaabooyin dheeraad ah oo ay uga hortagayso cudurka Covid-19. 281 oo qof ayaa ilaa hadda UK gudaheeda ugu dhintay coronavurus, halka dad gaaraya 5,683 qofna uu ku dhacay. Waxaa la aaminsan yahay inuu yahay nooc caabuq ah oo ka mid ah bahda Fayraska ee loo yaqaanno coronavirus, kaasoo aan horay loogu arkin bani'aadanka. Markii ugu horreysay wuxuu ka dillaacay magaalada Wuhan, oo ku taalla bartamaha gobolka Hubei ee dalka Shiinaha. Wararka qaar waxay sheegeen in cudurkan oo ka abuurmay xayawaanka uu markii hore kasoo ifbaxay suuqa hilibka xayawaannada badda ee magaalada wuhan. Khubarada waxay sheegeen in uu calaamado ahaan u dhoo yahay cudurka Sars, oo ah caabuq aad u xun oo neef mareenka ku dhaca ayaa ku dhawaad 800 oo ruux ku dilay caalamka horaantii sanadihii ka dambeeyay 2000, wuxuuna qudhiisa qeyb ka ahaa cudurka coronavirus. Qaaradda Yurub ayaa hadda saldhig u ah cronavirus, inkastoo markii ugu horreysay uu ka dillaacay Shiinaha. Waddanka ay dadka ugu badan ku dhinteen waa Talyaaniga, oo wali dagaal culus kula jira cudurkan. Guud ahaan dunida 350,000 oo qof ayuu ku dhacay Coronavirus, tan iyo markii uu soo ifbaxay. 15,000 oo ka mid ah dadkaas ayaa u geeriyootay, halka ku dhawaad 100,000 oo ruuxna ay ka caafimaadeen." https://www.bbc.com/somali/war-52007488 +entertainment Fannaanka jiidda hore ee dagaalka ku jira ee marna qoriga qaata marna guubaabiya askarta Slava Vakarchuk, waa madaxa kooxda fanaaniinta ee Okean Elzy, taasoo ah tan ugu caansan Ukraine. Markii uu dagaalka billowday, ayuu isu diiwaan galiyey inuu ku biiro ciidanka dagaalka kula jira Ruushka, iyadoo markaa kadib lagu amray inuu tago furimaha hore, oo uu halkaas ciidanka ugu heeso. Kooxdan ayaa si weyn caan uga ah Ruushka iyo wadama kale, oo horay uga mid ahaan jiray Midowgii Soofiyeeti ee burburay, balse waxey heesaha ku qaadaan luqadda Ukraine. Album-kii Bez Boyu ee aadka u gadmay caanna u noqday, oo ay kamid ahaayeen suugaan dadka ku dhiiri galineysa inaan la is dhiibin xaalad kastoo culus oo lagu jiro, ayaa noqotey heesta rasmiga ah ee qaran, ee loo adeegsado abaabulka iyo dagaalka iska caabinta. Kooxda Okean Elzy ayaa waxey haatan ku jiraan socdaal caalami ah, iyagoo qalbiga ku haya dagaalka dalkooda lagu hayo meel kasta oo ay joogaan. Kooxda Slava ee la yiraahdo Okean Elzy, waa tan ugu caansan kooxaha sameeya heesaha qoob ka ciyaarka dalka Ukraine. Ka dib markii Ruushku uu kusoo duuley dalka Ukraine, Slava ayaa si is xilqaan ah wuxuu ugu biirey ciidamada Ukraine ee ku jira jiidda hore ee dagaalka. “Waxaan tagay goobihii la isku diiwaan galinayey, waxaana u sheegay iney i qoraan, si aan ugu biiro si mutawacnimo ah ciidanka la dagaalamaya Ruushka,” ayuu yiri Slava Vakarchuk. “Waxey igu yiraahdeen, haatan wixii ka danbeeya waxaad kamid tahay ciidanka, laakiin habka ugu wanaagsan ee aad uga qeyb qaadan karto, waa inaad sameyso wixii aad sameyn jitey, ee ah inaad u heesto ciidanka oo aad guubaabisaa.” “Inaan sidaasi usoo bandhigno heesaha gubaabada ah waxey aheyd codsi dhanka kooxda ka yimid, iyo sida uu na farayey waajibaadka ina saaran. Kama baqeyno madaafiicda, mana baabi’in karaan riyadeenna.” Fannaanka ayaa sheegay inuu bilaabay inuu heeso kusoo bandhigo meelo kala duwan, gaar ahaan jiidaha hore ee ay ku sugan yihiin ciidanka, deegaanada la burburiyey iyo isbitaallada. “Waxaa imaan doonta maalin uu dagaalku soo gaba gaboobi doono.” Fannaan Slava, oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamey in waalidiintooda ay soo gaarsiiyeen akhbaarta sidii loo duqeeyey magaalooyinka London iyo Coventery, iyo goobo kale oo ku yaalla Ingiriiska. “Ingiriiska, sanadihii 1940-kii illaa iyo 1941-kii, oo dabcan ku beegan xiligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida, waa taas waxa aynu haatan wajahayno.” Waxa uu sheegay in markii ugu horeysay uu hees ka qaaday goob dhulka hoostiisa ah oo ku taalla Kharkhiv, halkaasoo ay ku dhuumanayeen dad fara badan. Kooxda Okean Elzy, ayaa safarro ku tago qaaradda Yurub, markii ugu horeysay tan iyo markii uu billawdey dagaalka ka aloosan dalka Ukraine. Fanaan Slava, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhibaatada ka jirta dalkiisa cod dheer, oo farriin adag xambaarsan lagu gudbiyo. Fanaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la is weeydiiyo waxa uu ku saabsan yahay dalka Ukraine, oo dunida laga codsado in si guud xal loo helo dagaalka. Waxaa sidoo kale jira heeso uu fanaan Slava uu u qaadey qaxootiga. Mid kamid ah heesahan, ayaa waxaa la yiraahdaa Vse Bude Dobre, taasoo macnaheedu yahay, in wax waliba hagaagi doonaan. Waxa uu sheegay in  mar waliba uu heestan kusoo gaba gabeeyo heesaha uu qaado. Slava, ayaa ku adkeystay in heesahan ay si qoto dheer uga turjumayaan xaaladda iyo duruufaha dadka qaxootiga ay kusugan yihiin, taasoo ah in maalin walba lagu cel celiyo in mar un laga bixi doono dhibaatada taagan. Fannanka, ayaa haatan rumeysan in dadka reer Ukraine in dadaalada ay sameynayaan ay yihiin kuwo wax ku ool ah. Fanaanka, ayaa kula dardaarmey dadweynaha reer Ukraine in dowladda iyo dadka dalkiisu guuleysan doonaan, isagoo huwiyey duco iyo ammaan, waxa uu ugu yeeray geesiyada ku jira dagaalka iyo furimaha hore. https://www.bbc.com/somali/articles/c8494nz1ywpo +health Daraasadda kafeega: Bunka oo la ogaaday in uu yareyn karo halista cudurrada ku dhaca beerka "Daraasad cusub oo ay sameeyeen jaamacado ku yaalla Britain ayaa lagu ogaaday in cabidda kafeega ay yareyn karto halista xanuunada ku dhaca beerka. Waxaana cilimi baaristan sameeyay jaamacadaha kala ah Southampton iyo Edinburgh, kuwaas oo ogaaday in cabidda kafeega ee saddex ilaa afar koob maalinkii, ay yareyn karto halista ah in qofka uu ku dhaco xanuun waxyeelleeda beerka. Cilimibaarayaasha ayaa darasaadda ku beegsaday ku dhawaad nus milyan qof oo ku nool gudaha UK, waxayna ogaadeen in boqlkiiba 21 uu cabidda bunka yareyn karo halista cudurrada ku dhaca beerka halka boqolkiiba 49 uu wax ka qaban karo xaaladda qofka la il-daran cudurradaas, marka la barbardhigo dadka aanan cabin bunka. Waxaa aad sare ugu kacay cabidda kafeega, maadama dad badan ay jecel yihiin si ay nashaad u dareemaan. Waxay sidoo kale ogaadeen waxtarka isticmaalka bunka aanan laheyn maaddada keenta nashaadka ee qofka ka qaada hurdada iyo caajiska ee Caffein-ta. Waxaa la arkay in uu sidoo kale uu kafeega yareyn karo halista cudurrada beerka ee ku dhaca xoolaha, sida lagu sheegay daraassadda. Nooc ka mid ah bunka uu ku yar yahay maaddooyinka Kahweol iyo cafestol, ayaa sidoo kale lala xiriiriyay arrintan. Cilmi-baarista ayaa natiijo wanaagsan ka muujisay in waxtar uu leeyahay bunka marka lagu daro waxyaabo kale. Dr Oliver Kennedy, oo ah khabiirkii hoggaaminayay cilmi-baarista, ayaa sheegay in daraasadda ay muuineyso in mustaqbalka bunka loo adeegsan karo ka hortagga xanuunada ku dhaca beerka, sida ay ku warrantay warbaahinta PA Science. ""Kafeega waa mid si weyn loo heli karo, sida aan ku aragnay daraasadda, gaar ahaan faa'idada uu leeyahay, waxay u muuqan kartaa in qeyb weyn uu ka qaadan karo daweynta iyo ka hortagga xanuunada ku dhaca beerka"". Cilmibaarayaasha waxay darseen xaaladda 495,585 qof oo isticmaalay noocyada kala duwan ee bunka. Intii ay daraasadda ku gudo jireen, waxaa jiray kiisas gaarayay 3,600 oo lala xiriiriyay cudurka ku dhaca beerka iyo 301 kiis oo dhimasho ah. Si kastaba, cilmi-baarayaasha waxay sheegeen in daraasasdda ay ku saleysneyd kaliya dadkii ka qeyb qaatay, balse aanan la ogeyn xaaladdooda sida ay aheyd wixii ka horreeyay daraasadda oo ah in ay horey u isticmaali jireen bunka. Dadkii laga qeybgeliyay tijaabada waxay u badnaayeen dad caddaan ah oo kavsoo jeeda qoysas dhaqaalahoodu sarreeyo, waxaana adag in la derso xaaladda dadka isticmaala bunka ee ku nool dalalka kale, sida ay sheegeen khubarada sameeyay baaritankan. Cilmi-baarsita mustaqbalka la sameyn doono ayaa lagu ogaan doonaa xiriirka ka dhexeeya bunka iyo cudurka ku dhaca beerka, gaar ahaan inta koob ee qofka uu cabi karo maalintii. Sidoo kale, waxaa lagu rajo weyn yahay in cilmi-baarista mustaqbalka lagu beegsado dadyow kala duwan si loo xoojiyo in isticmaalka bunka, ama qaxwada/kafeega, uu yareyn karo halista ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada beerka." https://www.bbc.com/somali/war-57569290 +sports Ninka khashinka aruurin jiray ee sababta u ah wacdarihii ay shalay Sacuudiga ka dhigeen ciyaaraha Koobka Adduunka Guushii ay Xulka Qaranka Sacuudiga ka gaareen kulankii ay shalay 2-1 ku garaaceen Xulka Argentina oo ay isku arkeen Ciyaaraha Koobka Adduunka ayaa dunida oo dhan ku noqotay mid lama filaan ah. Waa dhab in dad badan oo ciyaaraha u dhuun daloola ay afka gacanta wada saareen balse Sacuudiga dhankiisa waxay u ahayd arrin wanaagsan, maaddaama ay dhinaca dhulka u dhigeen mid ka mid ah kooxaha sida weyn loo saadaalinayo in ay ku guuleystaan Koobka Adduunka, uuna ciyaartoydooda ku jiro Lionel Messi oo lagu tilmaamo mid ka tirsan ciyaartoydii ugu fiicneyd ee abid soo maray kubbadda Cagta. Afar sano uun ka hor, ciyaartii ugu horreysay ee ay Xulka Sacuudiga ku billaabeen tartankii Koobka Adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka waxaa Sacuudiga guul darro 5-0 ah dhabarta u saariyay Ruushka oo martigeliyay tartanka. Heerka koowaad ee Guruubyada ayaa lagu soo reebay ciyaartoydii mataleysay boqortooyada fadhigeedu yahay Riyaad. Iyadoo taariikhdaas la xasuusto layaab malaha in qof walba uu rajeynayay in ciyaartii shalay ay si weyn ugu guuleystaan xulka Argentina oo u uku jiro Messi. Natiijadii shalay waxay dad badan ku tilmaameen khaladaad ay sameeyeen ciyaartoyda Argentina, laakiin qaar badan oo kale waxa ay bidhaamiyeen in nasiibka ka sokoow uu jiro qof kale oo sabab u ahaa guushaas taariikhiga noqotay. Qofkaas waa tababaraha xulka Qaranka Sacuudiga, Hervé Renard oo u dhashay dalka Faransiiska. Renard oo 54 jir ah waxa uu hadda ka hor isku dayay in uu sameysto xirfad ciyaareed. Isagoo 15 jir ah ayuu noqday ciyaartoy balse riyadiisa durba way soo afjarantay. “Markii aan ka hor tagay ciyaartoy kale waxaan ogaaday in aanan ku fiicneyn kubbadda,” ayuu yiri isagoo qiraal ku sameynayay wareysi uu Wakaaladda Wararka ee Reuters siiyay afar sano ka hor. Hase ahaatee ma uusan rajo dhigin oo wuu sii waday ciyaaraha, inkastoo uusan weligiis u ciyaarin koox weyn. Isagoo ay da’diisu ku dhowdahay 30 sano ayuu weli kasii ciyaarayay kooxaha heerka saddexaad ee dalkiisa, umana suurtagelin in uu meel sare ka gaaro Kubbadda. Inta uusan gelin 30 sano ayuu ka fariistay ciyaaraha, waxa uuna go’aan ku gaaray in uu u go’o aruurinta qashinka iyo nadaafadda. “Mar walba waan xasuustaa sannadahaas aan maalin walba kici jiray 3-da aroornimo si aan ugu kallaho nadiifinta dhismeyaasha. Waxay taasi iga caawisaa in aan niyad fiican u lahaado wax walba oo aan sameynayo,” ayu uku yiri Wakaaladda Wararka ee British. Waxa uu sidoo kale qirtay in noloshiisii hore ee hooseysay ay hadda ka caawiso in uu u dul qaato cadaadiska siyaabaha kala duwan uga soo wajaha dhinaca ciyaaraha. Inkastoo ay u muuqatay in uu kubbadda cagta ka niyad jabay, haddana taasi may ahayn Meesha uu uga haray. Muddo ka dib Renard wuxuu billaabay inuu tababare u noqdo kooxaha yaryar. Tani waxay albaabada u furtay horumarkiisii weynaa ee ugu horreeyay: 1999-kii wuxuu la wareegay majaraha kooxda Faransiiska ee SC Draguignan oo aan xilligaas caan ahayn. Ka dib markii uu kooxdan ka caawiyay inay kor u soo kacdo darajo ahaan, Renard waxa uu fursad tababare ku xigeennimo ah ka helay macallinka kooxda Shiinaha ee Shanghai Cosco, Claude Le Roy oo ay isku dal kasoo jeedaan, halkaas oo uu hal xilli ciyaareed ku qaatay, ka hor inta uusan la wareegin kooxda Ingiriiska ee Cambridge United , oo waqtigaas ku jirtay heerka saddexaad horyaallada Ingiriiska. Waxa uu ka tagay Ingiriiska si uu tababare ugu noqdo kooxda ka dhisan dalka Vietnam ee Nam Dinh ka dibna wuxuu ku laabtay Faransiiska, halkaas oo intii u dhaxaysay 2005 iyo 2007 tababare u ahaa kooxda AS Cherbourg. Hase yeeshee, wuxuu markii dambe billaabay in uu sumcadiisa ku dhisto kooxaha Qaramada Afrika. Xulka qaranka Zambia ayuu sannadkii 2012-kii kula guuleystay Koobka Qaramada Afrika, Koobkaas oo uu sannadkii 2015-kii mar kale la qaaday xulka Ivory Coast. Sannadkii 2016-kii ayuu oggolaaday inuu tababare u noqdo Morocco, kaasoo sannad ka dib u suurtagashay inuu u soo baxo Koobka Adduunka ee 2018 oo ka dhacaya dalka Ruushka, waana markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah oo xulka waddanka Morocco tartankaas tagay. Tan iyo 2019 waxa uu hoggaaminayay kooxda Sacuudiga, waxa uuna ilaa 20 boos sare ugu qaaday liiska kala sarreysiinta kooxaha adduunka ee Fifa. https://www.bbc.com/somali/articles/cx7q8jewgwgo +politics Muxuu yahay hubka ay Pakistan samaysatay ee aan dunida laga heysan? "Militeriga casriga ah ee waddamada caalamka waxay qalabkooda ka saareen hub aad muhiim u ah oo la isticmaali jiray waa hore. Waa nooc ka mid ah taangiyada oo lagu tilmaamay in ay yihiin hub laga gudbay, balse miliyeriga Pakistan ayaa go'aansaday in uu dib u casriyeysto hubkaas. Labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxay Pakistan ku mashquulsanayd dib u casriyeynta taangi lagu magacaabay Al-Khalid. Dowladda Pakistan waxa ay maalgelin wayn ku sameysay labo nooc oo ka mid ah taangiyadaas oo lagu guulaystay in si buuxda loo hormariyo. Labada noocba waa isla taangiga Al-Khalid. Warshad hubka farsamaysa oo ku taalla gudaha Pakistan ayaa taangiyadaas casriyaysay iyadoo taageero ka heleysa Shiinaha iyo Ukraine. Labadaas nooc ee hubka ah waxaa hadda lagu soo kordhiyay liiska qalabka ugu muhiimsan ee ay adeegsanayaan militeriga Pakistan. Al-Khalid waxa uu ka mid yahay gawaarida culus ee ku fiican dagaalka gacanta la iskula tago, waxaana aad loo adeegsan jiray 1990-meeyadii. Markii ugu horraysay waxaa farsamadiisa billaabay Shiinaha oo soo saaray nooc lagu magacaabo 90-IIM. Pakistan ayaa markii la soo gaaray sanadkii 2014-kii haysatay qiyaastii 310 taangi oo Al-Khalid ah. Tan iyo xilligaas wxii ka dambeeyay waxaa la sameeyay tiro kale oo aad u badan. Soo saaridda nooc saddexaad oo lagu magacaabo 'Al-Khalid II' ayaa dib u dhacday sababo la xiriira miisaaniyadda oo ku yaraatay. Militeriga Pakistan ayaa kharash badan ku bixiyay mashaariicda lagu badinayo taangiga Al-Khalid maadaama ay aaminsan yihiin in ay khatar ugu jiraan dagaal dhinaca dhulka ah oo uga imaan kara waddanka deriska kala ah dhinaca bari [Hindiya]. Sababta cabsida iyo taxadarka keeneysa ayaa ah in militeriga Hindiya ay si wayn ugu hubaysan yihiin hubka loogu talo galay ciidamada dhulka. Khubarada militeriga Pakistan ayaa aaminsan in warshadda hubka samaysa ee waaxda gaashaandhigga ay guulo lama filaan ah gaartay kaddib markii ay soo saartay jiilkii saddexaad ee taangiyada Al-Khalid. Tani waxay meesha ka saaraysaa suurtagalnimo kasta oo ku saabsan in Hindiya ay dhinaca dhulka ka weerarto Pakistan. Janaraal Abdul Qayyum, oo horay uga tirsanaa shaqaalaha warshadda qalabka militeriga ee Pakistan, kana mid ah khubarada ugu caansan ee ka faallooda arrimaha militeriga, ayaa sheegay in soo saaridda tiro badan oo taangiyada Al-Khalid ah ay ka dhigan tahay tallaabo horumar leh oo loo qaaday xoojinta awoodda militeri ee dalkiisa. ""Hadda waxaan haysannaa in ka badan 2,500 oo taangi, qaar badan oo ka mid ah taangiyadaasna waa Al-Khalid,"" ayuu yiri. Wixii ka dambeeyay markii la dumiyay darbigii Berlin sanadkii 1989-kii, labada quwadood ee uu ka dhaxeeyay dagaalkii qaboobaa ee caalamka, oo kala ahaa NATO iyo xulafada Ruushka, ayaa joojiyay farsamaynta taangiyo cusub. Kaddib markii ay labada dhinacba ku dhawaaqeen joojinta dagaalkii qaboobaa, waxaa sidaas ku soo afjarmay samayntii xad dhaafka ahayd ee taangiyada cusub. Inkastoo Mareykanka uu taangiyo u samaystay si uu ugu adeegsado dagaalladii ay ciidamadiisa ku galeen Ciraaq iyo Afghanistan, haddana waxa ay inta badan howlgalladiisa ku tiirsanaayeen dhinaca cirka." https://www.bbc.com/somali/articles/cd1949m28nlo +health Cudurka Coronavirus: Lix bilood ka dib weli way u jiiftaa fayraska Covid-19 "Monique Jackson waxay rumaysantahay in ay qaaday Covid-19, horraantii safmarku bilaabamay, ku dhawaad lix bilood ka dibna, weli way buktaa. Maadaama ay ka mid tahay kumannaanka qof oo duruuftani haysato, waxay xusuus qor faahfaahsan ka qortay calaamadaheeda iyo isku daydadeeda ay ku doonayso in ay dawo ku hesho. Sannad ka hor, ayay Monique Jackson daawatay barnaamijka Ted oo lagaga hadlayey wax tartanka dhirta Mushroom-ka (boqoshaa ama Barkin-waraabe), wayna la dhacday. Sida uu sheegay qofkii hadlayay fangaskaa, wuxuu leeyahay shabakado isku xidhan oo kaymaha dhex mara. Waxay geedaha u suurto gelisaa in ay is cawiyaan, marka dhibaato la soo deristo. Maalmahan, maadaama uu cudurka hayo todobaadkii 24 aad oo xidhiidh ah, waa wax ay haddana had iyo goor ka fikirto. Waxay ka shakiday ""Covid daba dheeraada"" oo ah in si gaara uu fayrasku ula fal galo jidhka, dhakhtarradana haatan ay bilaabeen in ay dersaan. Waxay bukootay bishii Maarij, bilowgiina waxay moodaysay in uu yahay mid fudud laakiin calaamadihii ku soo baxay ayaan ka tagin. Shan bilood ka dib, waxay la daalaa dhacaysaa sidii ay u fahmi lahayd waxa jidhkeeda ku dhacaya. Monique waa qof furfuran, oo la odhan karo ba waa qof aad u dad dhex gal badan. Wakhtigyada caadiga ah waxay ciyaartaa ciyaaraha lagu magacaabo Thai Boxing iyo Jiu-jitsu iyo sidoo kale baaskiil ay maalintii 12 mayl kaxayso oo ay ku tagto halka ay ka shaqeyso, oo ah goob lagu soo badhigo farshaxanka oo ku taal badhtamaha London, kagana noqoto baaskiilka illaa guriga. Laakiin dhawrkii bilood ee la soo dhaafay si weyn ayay u bedeleen nolosheeda. Imika waxa gidaarka qolkeeda hurdada ugu dhegan diiwaan xusuusinaya in ay madhxiso tamarta jidhkeeda si ay u cadeyan karto. ""Ma ihi qof caajis badan"" ayay tidhi. Maalmaha qaar se waxa keliya ee ay qaban kartaa waa in ay jaranjarada ka dhaadhacdo. In kasta oo jidhkeedu diidanyahay inuu siday doonayso u dhaqdhaqaaqo hadana waxay ogaatay in diiqad kaga nasan karto Ingstagram oo ah halka ay ka bilowday xasuus qorka faahfaahsan ee calaamadeeda. Waxay u adeegsataa xusuus qorkaa in ay dadka ugu sheegto xaaladeeda cusub iyo sida ay ula xidhiidho dadka kale ee sideeda uu mudada dheer cudurku hayey. Fayraska korona arrimo badan oo uu leeyahay ayaa dhakhaatiirta dawakhiyey laakiin Covid-ka ""dabada dheeraada"" waa mid ka mid ah astaamaha ugu yaabka badan ee xanuunkan safmarka ah. Muxuu dadka qaarkood ugu dhacaa nooc fayraska ah oo aan bixini - kuwaas oo badanaa ah dadka uu sida fudud u saameeyey marka horeba? Monique waxay xanuunsatay isla wakhtigii saaxiibkeed xanuunsaday ka dib markii ay galeen safar ay tareen raaceen. Bilowgii way wada xidhiidhi jireen calaamadadoodu si toos ah ayay iskugu ekaayeen laakiin mudo ka dib ayay kala duwanaadeen. ""Inaan joogsado ayay noqotay. aad buu u darnaa,"" ayay tidhi Monique. Labadii todobaad ee u horeeyey waxay dareemaysay sidii hargab ku dhacay oo kale - aad bay u daalanayd, sariirtana dirqi bay kaga kacaysay. London na qababow bay ahayd laakiin dhar culus may gashanayn oo caagad baraf ah ayay madaxa saartay. Qalabka lagu cabiro heer kulka ayaa suuqa ka dhamaaday laakiin waxay rumaysantahay in heer kulkeedu aad u sareeyey. ""Waa wax lala yaabo in aad tidhaa waxaan moodayey. Waxan oo dhan badankoodu waxay ila tahay in la fili doono laakiin ma ogid"". Toddobaad ama laba waxa ku adkaada inay neefsato. Ambalaas ayaa yimid laakiin waxay sheegeen in heerka ogsajiinteedu caadi yahay. ""Waxay ii sheegeen in aan naxsanahay oo aan calaamaduhu aanay ba'nayn"". Lagama baadhin Covid-19 laakiin maadaama uu bishii ay Maarij dalka UK yaalleen qalab kooban oo lagu baadho cudurka, waxa loo daayey uun xaaladahaha ba'an. Waxay isku dayday in ay isku dawayso dawo-dhaqameed. Markay cunayso toonta caydhiinka ah iyo basbaaska waxay xusuusataa iyadoo ka fikiraysa in wax haboon aanay ahayn. Laba todobaad ka dib ayay calaamadihii qaarkood yaraadeen laakiin waxaad moodaysay in qaar kale bedeleen. ""Waxaan xanuun ka dareemayey laabta. Ka dibna xanuunkaas ayaa jidhkoo dhan ku fiday,"" ayay tidhi. ""Wuxuu ahaa xanuun aad ilkaha isla dhacayso oo dhanka bidix ah. Waxaan mooday in wadnuhu iskay taagayo"". Waxay wacday lambarka xaaladaha degdegga ah ee 111 waxaana loo sheegay in ay baarasitamool liqdo. waxay yidhaadeen in ay dadka qaarkood xanuunka ka baabi'iso in kasta oo aanay sababta si buuxda u fahamsanayn. Baarasitamool kii wuu shaqeeyey laakiin isla markiiba xanuunkii wuxu ku bilaabmay caloosha iyo dhuunteeda oo ""dab ku shidmay"" markay cuntay. Dhakhaatiirku waxay moodeen in ay caloosha nabar ku leedahay laakiin mar dabe ayaa la ogaaday in dhibaatooyinkaa gaastaridu ay yihiin calaamadaha fayraska. Qiyaastii lix todbaad markuu xanuunka hayay, Monique waxay bilowday in ay dareento in kaadidu gubto iyo dhabarka xagga xoose oo xanuuna. Dhakhtarku wuxuu u qoray saddex qaybood oo dawooyinka antibiotic-ga ah, ka hort intii aanu ogaan in wuxu aanu ahayn xanuun bakteeriya keento. ""Xanuun bay ahayd,"" ayay tidhi. ""ka dibna wuu sii socday"". Monique waxay iska goysay baraha xidhiidhka bulshada. Xataa dhegaysiga codadka podcasts-ka ah ayaa ku adkaa, sababuna waxay ahayd in mar kasta oo Covid la sheego uu ku abuurmayey naxdin saamaysay neefsigeeda. Maadaama ay tahay qof iyadu isku qirtay in ay tahay qof wararka aad u dhegaysta haddana way ku adkayd. ""Waxaan dareemayey sida in aan ku jiro filim naxdin leh oo dadka madow oo dhami dhimanayaan,"" ayay tidhi. Maalin maalmaha ka mid ah iyada oo dhex jiifta suuliga oo dhageysanaysa codad barnaamijyo ah, ayay labadii qof ee soo jeedinayey ay sheegeen in dad badan oo Maraykanka madow ah ay u dhimanayaan fayraska Covid-19. Degdeg ayay u soo fadhiisatay markaasay telefoonkeedii qabsatay oo ay email u dirtay eheladeeda madow ee Maraykanka ku nool. Waxaanay xasuusatay in dadka ay ku tiirsanayd ay ahaayeen dad ka mid ah qoomiyadaha laga tirada badan yahay, waxaana ka mid ahaa darawallada tagaasida ee dhakhtarka geeya, shaqaalah isbitaalka iyo dukaamada ay wax ka iibsato. ""Teleefanno badan ayaan diray si aan u ogaado calaamadaha cusub ka dibna dadku waxay i waydiin jireen 'waa sidee caafimaadkaaga dhimirku?"" ayay tidhi. Waxa jidhkeedoo dhan ka soo baxay finan nooc kale ah, faraheeduna casaan bay noqdeen, mararka qaarkood na waxay ku toosi jirtay xanuun ba'an oo qaybo laabteeda ah ku dhuftay. Habeen ayay iyadoo saxiibkeed telefoonka kula hadlaysa dareentay in dhanka midig ee wajigeedu dhacayo. Muraayada ayay ku carartay, dabeetana waxay aragtay in wajigeedu caadi yehay. Waxay ka baqaysay in faalig ku dhuftay laakiin dakhaatiirtu wax caddaynaya kamay helin. Dareen ay garan weyday ayaa jidhkeeda oo dhan saaqay. mararka qaarkood waxay dareemaysay sidii in qof lugta jiidayo ama timaheeda wajigeeda laga soo dhex jiidayo oo afka laga soo saarayo. Sagaal todobaad ka dib ayaa Monique laga baadhay fayraska korona. Markaas waxay ka baqaysay in ay fayraska u gudbiso qof kale. Talada dawladdu soo saartay waxay ahayd in qofku gooni isku karantiilo ilaa inta qofka ay calaamadahaas ka ba'ayaan, laakiin iyadu waxay rumaysatay in aanay ka bi'i doonin. Maalin ayay u baxday beer gurigeeda u dhaw si ay hawo daray ah u qaadato waxaa la socday saaxiibkeed. markaas waxa ku soo orday ilmo yar. Monique way booday oo way ka carartay ilmihii yaraa. Dabadeed na ilmaha yar hooyadii ayaa aad u cadhootay. ""Ilmahu kaama dhaayn!"" ayay tidhi. Monique ayaa isku dayday in ay wax u sharaxdo, laakiin waxay ka baqaysay in ay xataa gabadha qabadsiiso fayraska. Dadka bukaa waa inay guryaha joogaan ayay ku tidhi ilmaha yar hooyadood. Waxay ku rajo wayntahay in xusuus qorkeedu dad badan ka caawin doono in ay fahmaan in aan arrintu sahlanayn. Walow ay saaxiibadeed ku dadaaleen in ay caawiyaan, Monique way dareensanayd in dadka kale khaatiyaan ka taagan yihiin, waxyaabaha haystay dadka kale. Saaxiibadeed midkood ayaa difaacay oo xanaanayn jiray, run ahaan tiina naftiisa ayuu halis u geliyey si uu iyada u badbaadiyo. Goobta baadhitaanka waxay filaysay in kalkaaliyeyaasha iyo dhakhtarraduba ay niyada u dejiyaan laakiin goobta waxaa ka shaqaynayey askar tuutaha ay gashan yihiin dhidid qooyey, maadaama ay ahayd maalin kulul oo bisha Juun ah. Nin yar oo da'diisaba ay la yaabtay ayaa sanka ka geliyey caag dheer oo afka cudbi kaga duuban tahay. Natiijadii soo baxday waxay noqotay in laga waayey oo fayraskii ka baxay, laakiin may rumaysan. Waxay ku nefistay wuxuu ahaa in loo sheegay in aanay ehelkeeda iyo asxaabteeda qaadsiin karin. Waxay ku noqotay filan waa. ""In aad ka baxday xaaladdii aad dadka qaadsiin karaysay cudurku waa arrin adag in ay maankaaga ka baxdo,"" ayay markii dambe ku qortay xusuus qorkeeda. Waxa kale oo ay ku sheegtay in ay weli fahmi la'adahay sababta aanay u bogsan. Neefsashadeedii ayaa caadi ku soo noqotay, halka markii hore ay ku adkayd in ay jaranjarada marto iyada oo aan dhawr goor joogsan, bishii July mar qudha iyadoon nasan, jararada kamay degi karayn. Monique ma garanyso si ay ku bogsan karto. ""Dad badan baa igu yidhaa 'Monique waad awoodi doontaa in aad mar kale baaskiilkii kaxaysato oo aad ciyaarihii aad jeclayd aad dheesho markaad bogsato.' Laakiin aniga arintaasi igama dhaadhacayso"". Dhakhtarradu weli way garan la'yihiin si ay u caawiyaan dadka calaamadaha cudurku ka bi'i waayaan. Waxa u suurto gashay in ay kaalmo caafimaadka oo dhimirka ah ka loo fidiyo taas oo u sahashay in ay aqbali karto duruufta cusub ee ay gashay ee ah xanuunka haya. Waxay sidoo kale u ololaynaysaa in taakuladan oo kale ay NHS siiso qof kasta. Arrin kale oo aanay weligeed filayn waa in xanuunkani is bari doono dad kale oo sideedaoo kale jecel Mushroom. Mushroom waa khudrad leh astaamaha ka hortagga fayraska, sidaana waxay ku sheegtay xusuuq qorkeeda. Laakiin sidoo kalena waxay qayb ka tahay arrin kale oo wayn oo xiiso leh. Waa khudrad ka mid ah nooca la yidhaa Mycelium oo ah nooc dhulka ka baxa oo xididada ku xidha geedaha u dhow. Mycelium waxay nafaqada ka soo noogaan xididada dhirtaas. Khubaro badan oo ka mid ah kuwa fangaska ayaa sidoo kale rumaysan in ay dhirtaasi wada xidhiidho oo ay kala qaataan nafaqada oo geedka tamarta yar ay u gudbiyaan. Waxay xusuusisay saaxiibadeeda contada u soo dhiga albaabka hortiisa bil walba. Waana dadka ay ku tiirsanayd tan iyo intii ay bukootay. ""Makhsinkayga markaan ku godoomay"" ayay ku qortay Instagram keeda, ""waxaan dareemay in aan xidhiidh intii hore ka badan yeeshay""." https://www.bbc.com/somali/war-53996848 +religion """Dadku waxay ka soo horjeesteen gabar Muslimad ah oo xiratay surwaal gaaban""" "Feer-yahanad u dhalatay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Nakhat Zarrin ayaa ku guulaysatay feerka adduunka haweenka ee ka socda dalka Turkiga. Waa haweenaydii shanaad ee ka soo jeeda dalka Hindiya ee la siiyo abaal marinta guusha ay gaartay . Sidoo kale waa haweenaydii ugu horeysay ee Muslim ah oo ku guulaysata feerka adduunka.Feer-yahannadaan u dhalatay Hindiya ayaa dhigeeda dalka Thailand, kaga adkataay 5-0 ciyaar ka tirsaned horyaalka feerka heerka labaad. Guusheeda kadib, ayaa Zarrin, oo wajigeeda ay ka muuqatay farxad, is waydiisay su'aal u dhigneed sidaan , ""Miyaa la igu hadal hayaa barta Twitter-ka ?"" Waa billadii ugu horeysay oo dahab ah oo ay ku guulaysato haweenay ka socota dalka Hindiya tan iyo markii sanadkii 2018-kii Mary Kom ay sidaan oo kale ugu galaysatay bilad dahab ah . Kom ayaa lix jeer horay ugu soo guuleysatay tartanka. Haweenka kale ee Hindiya u dhashay ee ku guuleystay bilada dahabka ee horyaalka feer-ka waxaa ka mid ah Sreeta Devi, Jenny RL iyo Lekha KC. Ajay Singh oo ah madaxa xiriirka feerka ee Hindiya oo ka hadlay munaasabada ayaa yiri ""in bilada lagu guuleysto koobka aduunka waa riyo oo kale, waana wax lagu amaano in Nakhat ay heshay abaal marin"". Gabadhaan gusha gaartay ee Zarin ayaa magaceeda aad la iskula dhex maryaa baraha bulshada iyada oo loo diaryo hambalyo iyo fariimo kale oo lagu dhiiro galinayo kuwaas oo uga imaanaya guudahana dadka dalka Hindiya. Raysal wasaare Narendra Modi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tuwiitarr-ka ku yiri"" Hindiya way ku faanaysaa feer-yahannadeeda "". ""Waxaan mar walba ku hammiyi jiray in baraha bulshada lagu hadl hayo guusha caalamiga ah ee dalkeygu uu gaaray ,"" ayuu ku yiri shir jaraa'id oo uu qabtay"" guusha kaddib Mr Modi. Zarrin, oo 25 jir ah, ayaa ka soo jeeda degmada Nizamabad oo ku taal koonfurta Hindiya ee Telangana. Waxay hore uga mid noqotay Horyaalka Dhallinyarada Adduunka ee da'da yar. Aabaheed, Muxammad Jameel, oo dhalinyarnimadiisii ahaa ciyaartoy,ahaa ayaa aad uga shaqeyn jiray inuu horumariyo xirfadiisa.Dadka ayaa ka soo horjeestay gabar Muslimad ah oo xiratay surwaal gaaban inta lagu guda jiray ciyaarta, waxaana la sheegay in arrintaa ay iska indho tireen kooxdii Hindiya ka socotay.Balse markii ay guusha gaartay ayay dadku si caadi ah ula falgaleen oo ay taageereen. ""Dadku waxay ka soo horjeesteen gabar Muslimad ah oo xiratay surwaal gaaban intii ay socotay ciyaartu,"".Waxaa sidaasi BBC-da u sheegay mid ka mid ah mas'uuliyiinta horyaalka feerka Hindiya. Qaar ka mid ah dadka gaarahaan Muslimiinta ayaa u arkayay in Zarrin ay qaadato surwaal gaaban iyada oo Muslimad ah ay tahay wax muqaal wanaagsan aan ka bixineyn dhaqanka Islaamka.Qaar ka mid ah dadkii daawanayay ciyaarta ee dalkeeda Hindiya ayaa soo dhaweyay qaabka ay isku diyaarisay iyo guusha ay gaartay oo faraxd galisay dhamaan dadweynaha dalkaas." https://www.bbc.com/somali/war-61532385 +health Shiinaha oo 19 Isbitaal oo cusub ka dhisayo gobolka Wuhan "Shiinaha ayaa sheegay gobolka Wuhan in laga dhisayo 19 isbitaal oo cusub oo lagula tacaalayo cudurka Coronovirus ee dlkaasi ka dillaacay Xukumadda Beijing waxay sheegtay Isbitaallada cusub ee 19 ee ay qorsheyneyso marka la dhammeystiro iney yeelanayaan 30,000 oo sariirood oo bukaanka loogu adeego. Gobolka Wuhan ilaa iyo hadda waxay isbitaallo ku meel gaar ah u beddeleen 13 goobood oo leh 13,348 sariirood. 9,313 ka mid ah sariirahaasina ay yihiin kuwa looga tala galay in la seexiyo dadka xanuunka uu weli ku faafin oo ay xaaladdooda adkeyn. Dowladda Shiinaha waxay sheegtay Isbitaallada cusub ee la dhisayo mid weliba in loo dhammeystirayo qalabka caafimaadka uu u baahnaa sida City Scan, Qalabka wadnaha lagu baaro iyo qalab kale oo casri ah uu isbitaalka u baahan yahay. Sarriiraha Isbitaallada ku yaalla Wuhan oo yaraaday si wax looga qabto waxaa isbitaallo ku meel gaar ah loo beddelay Goobaha Jiimka, Hoolalka shirarka iyo goobaha loo adeegsado bandhigga carwooyinka. Isbitaallada cusub ee la dhisayo mid ka mid ah oo loogu magac daray Rihani oo dhismahiisa la dhammeystiray wuxuu ka kooban yahay 3,690 sariirood. Isbitaalka Rihani oo ku fadhiyo 54,000 oo meetir laba jibbaaran wuxuu leeyahay qaboojiyeyaal, qolalaka lagu qobeysto, suuli dhaqdhaqaaqa, maktabad, goob filimka lagu daawado, maqaaxiyo iyo gooba kale oo lagu madadaalo. Bukaanka cudurka uu soo ritay si loo daweeyo isla-markaana looga hortago 72 kooxood oo xirfadlayaal caafimaad oo dalka Shiinaha oo dhan ka kala yimid ayaa Isbitaalkaasi laga howl geliyey. Guud ahaan gobollada dalka Shiinaha ee ay ka socdaan howlaha gurmadka cudurka Coronovirus la xidhiidha waxaa laga howl geliyey xirfadlayaal caafimaad oo ka badan 32, 572. Sidey dowladda Shiinaha u awoodday in isbitaal lagu dhiso lix maalmood? ""Shiinaha wuxuu taariikh u leedahay in mashaariicda noocan ah si dhakhso ah loo fuliyo"", ayuu yiri Yanzhong Huang, oo ah macallin kale oo wax ka dhiga culuumta caafimaadka adduunka iyo xiriirka caalamiga ah. Wuxuu tusaale ahaan usoo qaatay in isbitaalkii laga dhisay Beijing uu dhismihiisa ku idlaaday 7 maalmood gudahood, sidaas darteedna kooxda dhismaha wadda ay damacsan yihiin in wakhti ka yar ay ku dhisaan. Mr Huang ayaa sheegay in Injineerrada dhismahan ka qeyb qaadanaya laga kala keenayo guud ahaan qeybaha kala duwan ee waddanka, si dhismaha loogu soo afjaro waqtiga loo qabtay. Maalintii Jimcada, wargeyska Global Times ayaa xaqiijiyay in 150 dhakhtar oo ka socda milatariga Shiinaha ay gaareen Magaalada Wuhan. Hase ahaatee ma kala caddeynin in dhakhaatiirtaas ay ka howl gali doonaan isbitaalka cusub ee la dhisayo iyo inkale." https://www.bbc.com/somali/war-51603046 +business Saacad Gandhi lahaa oo aan shaqaynayn imisaad siisan lahayd? "Saacad kuwa jeebka ah oo ""duug ah oo jajabtay"" oo uu lahaan jiray Mahatma Gandhi ayaa lagu xaraashay £12,000. Saacadan oo ah nooca lagu samayn jiray Switzerland ayuu siiyey will uu awow u ahaa sannadkii 1944 si uu ugaga ""mahad celiyo taageeradiisa"". Waxa markii hore lagu qiyaasay in lacagta ugu badan ee la siisan doonaa tahay £10,000 laakiin waxa qiime intaa ka badan ku xaraashay jimcihii shirkadda East Bristol Auctions. Ninkii shaaha oo sheegay in dumar badan ay ku soo duuleen si ay shaqada uga qaataan Nin malaayiin ka sameeyay dhagxaan uu dadka uga dhigay nooleyaal Andrew Stowe oo ka tirsan shirkadaas ayaa sheegay in qofka iibsaday yahay qof urursada waxyaabaha qadiimka ah oo ku nool dalka Maraykanka. Iibkan waxa ka horeeyey xaraash hore oo lagu iibiyey muraayadii indhaha ee Gandhi oo lagu iibiyey £260,000 bishii Ogost. Stowe ayaa sheegay in ""bilahan dabayl fiicani u dhabatay"" oo iibka saacaddani ahaa ""mid kale oo la yaab leh"". ""Iibkii xiisaha lahaa ee aanu ku xaraashnay bishii Ogost [muraayadii Gandhi] ayaa waxa aad noogu batay codsiyada ah in aanu hayno waxyaabo kale oo uu lahaa"" ayuu yidhi. Saacaddan waxa mar la haan jiray Mohanlal Sharma oo ahaa nijaar jeclaa Gandhi. Sannadkii 1936 ayuu u socdaalay si uu ula kulmo halgamaagaa u doodi jiray xuquuqda madaniga ah oo uu inuu u shaqeeyo ku tabarucay. Si uu ugu muujiyo inuu uga mahad celinayo jacaylkiisa, ayuu Gandhi saacadiisaa jeebka u siiyey 1944, markii dambena sannadkii 1975 ayaa saacaddaasi ku soo wareegtay wiil uu awow u ahaa. ""Waa walax la yaableoo taariikhi ah, waxaan qiimaha gaarka ah u sii yeelayaa waa in uu beri lahaan jiray Gandhi"" ayuu yidhi Stowe. ""In ay tahay mid uu Gandhi lahaan jiray sannado badan ka dibna ay soo kala dhaxlayeen saaxiibo la aamini karo oo markii dambena kaydiyey, ayaa arinta gebigeedaba ayaa wax weyn ah.""" https://www.bbc.com/somali/war-55033479 +health Coronavirus: Maxay tahay faa'idada adduunka uu ka dhaxlay? "Heerka wasakheynta hawada ayaa hoos u dhacday guud ahaan caalamka tan iyo markii uu dunida ku faafay xanuunka corona. Isbadelkan ayaa la sheegay in aad looga dareemay dalal ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Talyaaniga oo uu aad u saameeyay fayraska corona. Cilmibaareyaal ku sugan Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in qaaca hawada ku baxa ee laga sii daayo gadiidka kala duwan iyo warshadaha uu hoos u dhacay boqolkiiba konton. Arrintan ayaa loo sababeynayaa tallaabooyinka ay qaadeen dalal dhowr ah oo ay kaga hortagayeen faafidda coronavirus. Waxaa bandow lagu soo rogay dalal badan oo caalamka ah oo uu ka dilaacay xanuunka, waxaana taasi ay keentay in dadka aysan kaxeynin baabuurta oo qaaca ay sii deyn jireen uu yaraaday, waxaana albaabada la isugu dhufto warshado badan oo caalamka kuwaas oo uumiga ay hawada kusii deyn jireen ay aad u yaraatay, maadaama aysan dad badan shaqo tagin. Sidoo kale shirkado badan oo ah kuwa duulimaadyada ayaa hakiyay duulimaadyadii ay sameyn jireen, waxaana taasi ay yareysay wasakheynta ay diyaaradahaas hawada ku sameyn jireen. Sida ay qortay jariiradda arrimaha cimilada ee Carbon brief, waxaa dunida oo dhan laga dareemay hoos u dhac dhanka tamarta ah oo gaaraya boqolkiiba 25, taas oo ka dhigan in gaadiidka kala duwan sida baabuurta, maraakiibta, warshadaha, diyaaradaha iyo tareennada aysan shaqeynin coronavirus awgii. Dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga ayaa ah wadamada ugu badan ee laga dareemay hoos u dhaca waxyaabaha wasakheeya hawada, maadaama labadaasi ay yihiin kuwa uu aadka u saameeyay fayraska corona, ayna gaartay in bandow lagu soo rogo. Warshado badan oo ku yaalay gobolka Hubei ee dalka Shiinaha ayaa la xiray, waxaana taasi ay keentay in uu aad u yaraado qiiqa wasaqeysan ee ay kusii deyn jireen hawada. Waxaa sidoo kale sare u kacay helitaanka ""hawa tayo leh"" ee dalka Shiinaha, oo ay dadku ku noolaan karaan, waxaana ku darsamay 21.5 boqolkiiba, taas oo ka duwan heerkii ay joogtay sanadkii hore. Sidoo kale sawiro dayax gacmeed lagu qaaday oo ay soo bandhigeen hey'adaha saadaasha hawada ee Mareykanka iyo Yurub ayaa muujinaya in hoos u dhac aad u badan uu ku yimid uumiga ka baxa gaadiidka iyo warshadaha dalka Shiinaha iyo dalal kale oo badan. ""Waa markii iigu horeysay oo aan arko hoos u dhac intan la eg,"" ayuu yiri Fei Liu oo ah cilmi-baare katirsan hey'adda NASA ee dalka Mareykanka. Wargeyska The Financial Times ayaa sidoo kale kusoo warramay in diyaarado gaaraya 80 kun ay joojiyeen duulimaadyadii ay sameyn jireen, oo micnaheedu tahay in qaacii ay hawada kusii deyn jireen uu meesha ka baxay. Diyaaradaha caalamiga ah ee joojiyay duullimaadyada waxaa ka mid ah, Emirates, Delta, Qantas, Lufthansa iyo kuwa kale oo badan oo yareeyay safarada sida KQ, British Airway iyo kuwo kale. Inkastoo aanan marnaba la inkiri karin saameynta dhaqaale, midda caafimmaad ee uu xanuunka ku reebay dunida, haddana waxaa muuqata in tallaabooyinkii la qaaday ee la doonayay in looga hortago xanuunka ay ka dhasheen faaidooyin aanan marnaba lagu fikirin, sanadihii dambena ay adkeyd in la arko. Waxaa sanadihii dambe aad isu soo tarayay walaaca laga muujinaya isbadelka cimilada oo khubarada arrimaha deegaanka ay sheegeen in haddii aanan wax laga qabanin saameynta ka dhalata la dareemi doonaa. Dad badan oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka ayaa aaminsan in loo baahan yahay in sida dadka bani'aadamka ay uga taxadareen noolashooda iyo caafimmaadkooda si lamid ah loogu baahan yahay in loo ilaaliyo cimmilada, waxna laga qabto isbadelka cimilada." https://www.bbc.com/somali/52015234 +politics Maxamadu Buhari: Maxaa ka jira in madaxwaynaha Nigeria uu xaas labaad guursaday? "Qoyska madaxwaynaha dalka Nigeria waxaa hareeyay sheeko isa soo taraysa oo u eg kuwii lagu jili jiray aflaanta Nigeria ee Nollywood. Waa sheeko ku saabsan in madaxwaynaha uu xaas labaad guursaday taasi wasiir ka ah dowladdiisa. Arrintan waxaa lagu baahiyay baraha bulshada waxaana si wayn looga hadal hayay dalka Nigeria. Arooskan la isla dhex marayay baraha bulshada waxaa lagu sheegay in madaxwayne Buhari uu guursaday Sadiya Faruuq oo ka mid ah golaha wasiirada. Waxaan ognahay in xaaska madaxweynaha Nigeria ay tahay Caa'isha Buhari. Si toos ah ugama aysan halin, balse waxyar oo shaki abuuray ayay sheegtay. Sidoo kale Ms Faruuq kama aysan hadlin guurka la sheegay in u dhacay. Warkani ayaa si sahlan loo oran kari lahaa waa been buur, balse hadalka ka soo yeeray xaaska madaxweynaha ayaa shaki dhaliyay. Waxay dalka dibadiisa ku maqnayd labadii bilood ee ugu dambeysay. Waxay sidoo kale ku hakatay dalka Britain oo baritaan caafimaad loogu samaynayay. Dad badan oo la socday arrintan waxay soo noqosheheedii sabtidii u arkaan in ay tahay calaamad muujineysa in ay ""difaacaneyso gurigeeda"". Jawaabtii ay bixisay markii ay garoonka ka soo degtay ee ku saabsaneyd arooska labaad ayaa shaki abuurtay, balse kalama aysan cadeyn in arrintan ay been abuur tahay iyo in kale. Wareysi ay la yeelatay BBC laanta Hausa,ayay marwada koowaad ee dalka Nigeria ku sheegtay in uu jiray qorshe uu Buhari ku guursanayo xaas labaad, taasi oo ""u muuqata in ay tahay ballan guur oo ay horey u galeen"". Caa'isha Buhari oo ku hadlaysay afka Hausa-ha, islamarkana ka fiirsanaysay erayada afkeeda ka soo baxayay, ma aysan xusin magac ""xaaska kale"" ee madaxweynaha uu guursanayo. Balse waxaa wareysigaas laga fahmi karaa in ay ula jeedo in ay ka carootay in Sadiya Faruuq aysan si cad u beenin warka sheegaya in ay ""is guursadeen"" madaxweyne buhaari. Waa 45 jir ka mid ah wasiirada, waana haweeneyda ugu da'da yar golaha Maxamadu Buhari uu soo dhistay. Waxay imika haysaa wasaarad dhawaan la abuuray ee arrimaha bina'aadanimada iyo maareynta musiibooyiinka. Wax badan lagama oga waxyaabihii ay qaban jirtay ka hor inta uusan wasiir u magacabin madaxweyne Buhari, bishii August. Maya oo waxaa lagu waday in arooska uu dhaco jimcihii aanu soo dhaafnay oo ay taariikhdu ku beegnayd 11 October, balse qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa muujinaya in Sadiya Faruuq ay ku sugnayd khamiistii magaalada Geneva. Waxay hogaaminaysay wafdi ka socday Nigeria oo halkaasi kula kulmayay madaxda hay'ada qaxootiga aduunka. Waxay Nigeria dib ugu soo laabatay Talaadadii sida ku xusan qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka." https://www.bbc.com/somali/war-50107254 +health Todoba qodob oo wax lagaga qaban karo isbedelka cimilada "Shirwaynaha cimilada ee COP26 ee Glasgow ka socda ayaa lagu sheegay inuu yahay fursadii ugu dambaysay ee lagu xakamayn lahaa heer kulka dunidu in aanu dhaafin 1.5C. Laakiin heshiisyada iyo sawirrada la wada gelayo ka sokow maxay yihiin waxyaabaha muhiimka ah ee waddamadu u baahan yihiin inay sameeyaan si wax looga qabto isbeddelka cimilada? Shidaalka dhulka laga qodo sida baatroolka, gaaska iyo gaar ahaan dhuxul dhagaxda waxa ay hawada ku sii daysaa kaarboon laba ogsaydh (CO2) taas oo kulaylka kor u bixi lahaa qabta korna u qaadaysa heerkulka adduunka. Waa arrin ay tahay in wax looga qabto heer dawladeed haddii la doonayo in aan heerkulku sare u dhaafin inta lagu xaddido 1.5C oo ah halka la rumaysan yahay in ay tahay bilowga halista. Cimilada sii kululaaneysa oo dalalka saboolka si ba'an u saameyneysa Si kastaba ha ahaatee dalal badan oo waaweyn oo ku tiirsan dhuxul dhagaxda sida Australia, US, China iyo India ayaa diiday inay saxeexaan heshiis looga golleeyahay in lagu joojiyo adeegsiga dhuxul dhagaxda mudada tobannaan ka sano ee soo socda ah. Warbixin dhowaan ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in yaraynta methane-ka ay gacan weyn ka geysan karto wax ka qabashada xaaladda halista ah ee dunida. Xaddi badan oo methane ah ayaa laga sii daayaa hawada marka la qodayo gaasta dabiiciga ah iyo baatroolka waxa se lagu yarayn karaa qaab farsamo oo cusub. Sidoo kale in la helo qaab fiican oo xashiishka la iskaga nadiifyo ayaa iyadna muhiim ah maadaama oo meelaha gudaafadaha lagu daadiyaa ay sidoo kale yihiin meelo ay ka baxdo neefta methane-ka. Maxaa iska galay cunnitaanka hilibka iyo isbedelka cimilada iyo su'aalo kale Shirka COP26 ku dhawaad 100 dal ayaa ku heshiiyey in la dhimo neefta methane-ka heshiiskaas oo ay gadh wadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Midowga Yurub. Ballanqaadka dunidu samaysay waa in neefta methane-ka lagu xadido 30% marka la barbar dhigo heerkii uu taagnaa 2020. Korontada iyo soo saarista kulaylku waxay wax ka taraan yaraynta neefaha lagu sii daayo hawada marka loo eego qayb kasta oo dhaqaale. Beddelidda nidaamka tamarta adduunka oo laga beddelo mid ku tiirsan shidaalka la qodo oo loo beddelo mid ay maamusho tignoolajiyada nadiifta ah ayaa muhiim u ah gaadhidda yoolalka cimilada ee hadda jira. Tamarta dabaysha iyo cadceeddu waa in ay noqdaan tamarta keliya ee la adeegsado marka la gaadho 2050 haddii la doonayo in la gaadho yoolka ah in dunida hawadeedu noqoto nadiif. Hase ahaatee waxa jira caqbado taagaan. Dabaysha yar waxay ka dhigan tahay koronto yar oo la dhaliyo, laakiin tignoolajiyada adeegsiga baytariyadu waay inaga caawin kartaa kaydinta tamarta dheeraadka ah ee dib loo cusboonaysiin karo, diyaarna u ah in la adeegsado daayo marka loo baahdo. Waxaan sidoo kale loo baahan doonaa ina la bedelno habka aan adeegsano baabuurta aan isticmaalno. In la joojiyo isticmaalka baabuurta batroolka iyo naaftada iyo u beddelashada baabuurta korontada ayaa noqon doonta mid muhiim ah. Gawaadhida xamuulka ah iyo basaska waxay ku shaqayn karaan shidaalka hydrogen, oo sida ugu habboon loo soo saaray iyadoo la isticmaalayo tamart la cusboonaysiin karo. Antonio Guterres oo ka digay khatarta isbadalka cimilada Waxayna saynis yahanadu ka shaqaynayaan shidaal cusub oo nadiif ah oo loogu talagalay diyaaradaha inkasta oo sidoo kale dadka ku boorinayaan inay yareeyaan tirada duulimaadyada. Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay 2018 ayaa lagu sheegay in si loo helo fursad macquul ah oo lagu xadidadayo in heerkulka caalamiga ah uu ka hooseeyo 1.5C waa in hawada aan ka saarno CO2. Kaymaha ayaa aad ugu fiican arintan waana sabab ka mid ah sababta ay saynisyahannadu u xoojinayaan baahida loo qabo ilaalinta abuurta dabiiciga ah oo la yareeyo xaalufka. Barnaamijyada ballaadhan ee geed beerista ayaa loo arkaa inay yihiin hab lagu dhimi karo neefta CO2. Geeduhu waxay muhiim u yihiin yoolka la doonayo ee ah in la gaadho in la joojiyo neefaha lagu sii daayo hawada sababt oo ah marka la yareeyo waxaa ""la tirtiri kara"" kaarboonka oo dhulka dib ugu noqon doona. Tignoolajiyada soo hadda uun soo baxaysa ee sida dad sameega ah ee CO2 ka saaraya jawiga ayay tahay in ahmiyad weyn la siiyo. Goobo badan oo taas ku shaqeeya oo kaarboonka ka saari kara hawada oo laga dhisay Texas iyo Climeworks oo ku yaal Switzerland waxay ku shaqeeyaan iyagoo isticmaalaya marawaxadaha waaweyn si ay hawada ugu riixaan shaandhada kiimikaad ee nuugta CO2. Si kastaba ha ahaatee, tignoolajiyadu waa qaali khilaaf badanina waa ka taagan yaay sababtoo ah waxay u arkaan dadka dhaleeceeyaa inay caawinayso ku tiirsanaanta shidaalka dhulka laga qodo. Shirkii Copenhagen ee Copenhagen ee 2009 wadamada qaniga ahi waxay ballan qaadeen inay bixinayaan 100 bilyan oo doolar oo maalgelin ah sanadka 2020, taas oo loogu talagalay in lagu caawiyo wadamada soo koraya si ay ula dagaalamaan isbedelka cimilada iyo in ay ku bixyaan qabatinka isbedlka ka dhasha. Taariikhdaas la beegsanayey ballan qaadkii lama fulin inkasta oo dawladda UK ee marti gelinaysa COP ay dhawaan soo bandhigtay qorshe lagu meel marinayo maalgelinta marka la gaadho 2023ka. Wadamo badan oo ku tiirsan dhuxul dhagaxda ayey haysataa tamar yari ba'an oo halis galinaysa ka soo kabashadooda Covid oo si aan qiyaas lahayn u saameeyey dadka saboolka ah. Arrimahan ayaa ka joojinaya inay ka guuraan warshadaha qiiqa badan sii daaya. . Khubarada qaar ayaa aaminsan in wadamada saboolka ah ay u baahan doonaan taageero maaliyadeed oo joogto ah si ay uga caawiso inay u dhaqaaqaan dhanka tamarta cagaaran. Tusaale ahaan USA, EU iyo UK waxay dhawaan bixiyeen 8.5 bilyan oo doolar si ay Koonfur Afrika uga caawiyaan joojinta isticmaalka dhuxul dhagaxda." https://www.bbc.com/somali/59271938 +health "Covid-19: Dhibaatada ""been abuurka qosolka leh"" ee laga sameyay tallaalka Coronavirus" "Wacyigelinnada, aalaaba loo adeegsado qaab sawirro qosol leh iyo muuqaallo, waxay qeyb ka yihiin sida ay iskula xiriiraan dadka baraha internet-ka, balse waxaa sidoo kale loo adeegsan karaa in lagu faafiyo warbixinno marin-habaabin ah. Waxaan eegeynaa sida sawirradaas ay warbixinno khaldan uga gudbin karaan tallaalka Covid-19, iyadoo dadka baahinaya ay walaac ka muujinayaan tallaalka iyo saameyntooda iyo bad-qabkooda. Mid ka mid ah wacyigelinnadaas - oo ay ku jiraan sawirro laga soo qaatay mid ka mid ah heesaha fannaanka caanka ah ee qoob ka cayaarka ee Drake - ayaa magaciisa toddobaadkan lagu hadal hayay baraha bulshada dalalka UK iyo Mareykanka - kuwaas oo lagu faafinayo sheegashooyin been ah oo ku saabsan in tallaalka uu isbeddel ku sameyn karo hidda sidaheenna (DNA). Waxaa sidoo kale lagu xusay in heerka ka soo kabashada cudurka ay tahay 99.97% - iyo in xanuunka uu kugu dhaco ay ka fiican tahay tallaalka. Waxaynu aragnay doodaas oo kale oo ka dhan ah tallaalka Covid-19 oo lagu wadaagay baraha bulshada - taas oo su'aal gelineysa sababta aan ugu baahannahay tallaal haddiiba ay aad u yartahay in cudurka loo dhinto. Aynu ku billowno, tirada lagu sheegay sawirka ""heerka ka bogsashada"" - ee tilmaameysa in ay yihiin dad uu ku dhacay fayraska - ma ahan sax. Illaa 99.0% dadka uu ku dhacay fayraska Covid-19 way ka badbaadeen, sida uu sheegay Jason Oke, oo ka tirsan Jaamacadda Oxford. Sidaas darteed 100-kii qof ba ee ka mid ah 10,000 oo qof, way u dhiman karaan cudurka - taas oo aad uga badan saddexdii qof ee ku jirta 10,000, sida lagu xusay sawirka wacyigelinta. Si kastaba, Mr Oke ayaa intaas ku daray in ""halista ay ku xiran tahay da'da oo aysan ku xirenyn muddada uu qofka la xanuunsanayo Covid-19"". Haddii uusan jirin tallaal, waxaa jiri doona dad badan oo qaada xanuunka - taasna dhimasho ayaa ka dhalan doonta - kahor inta aysan dad badan adkeysi u yeelan in jirkooda uu ka hortago faafinta fayraska. Tani waxaa loo yaqaannaa adkeysiga difaaca jirka - marka qeyb ka mid ah bulshada uu ku dhaco fayraska. Keliya maaha in laga badbaado. Qof walba oo dhinta oo keli ah ma ahan, waxaa jira kuwo kale oo uu ku dhacay isla markaana ay u socoyo daryeel caafimaad oo gaar ah, iyo qaar kale oo la daalaa dhacaya saameyn caafimaad oo muddo dheer socota. Tani waxay saameyn ku yeelan kartaa adeegga caafimaadka ee ay cusleeyeen bukaannada Covid, oo u kala ordaya adeegyada isbitaalka ee gabaabsiga ah si loola tacaalo bukaannada qaba xanuunnada iyo dhaawacyada kale. Iyadoo dad badan ay la tahay wax lagu qoslo, haddana sawirrada wacyigelinnada waxay sidoo kale sidaan farriimo khaldan. Qaar ka mid ah sawirrada wacyigelinta ugu caansan ee ku saabsan tallaalka waxay muujinayaan in tallaalka uu reebi karo saameyn ba'an. Sawirrada dad qaar oo wejigooda uu isbedelay amaba xayawaanno u ekaaday ayaa lagu baahiyay internet-ka, waxaana la raaciyay sheegasho ah inay dadkaasi yihiin ""qofka ugu horreeya ee qaata tallaalka"" ama cinwaanno sheegaya in tallaalku ""uusan xitaa xanuun ahayn"". Waxaa laga yaabaa in sawirradaas loogu talo gelin inaan la aaminin, balse waxaa alaaba lagu wadaagaa qolalka baraha bulshada ee ay ku jiraan dad si weyn uga soo horjeeda tallaalka. Waa run in tallaalka uu yeelan karo saameyn, balse waa mid khafiif ah sida xanuun yar oo gacanta ah, madax-xanuun ama qandho joogto maalin ama labo ah. Tallaalka wuxuu soo maraa baaritaanno adag oo dhanka bad qabka ah kahor inta aan loo soo bandhigin bulshada, iyada oo si dhow loola soconayo saameynta ka dhalata. Markii ay muddo bilooyin ah sawirradaas ka soo muuqdeen baraha bulshada, dadka qaar ayaa bilaabay in ay su'aalo iska weydiiyaan haddii sheegashooyinkaas ay yihiin kuwo been ah. Sawirro kale oo aad la iskula wadaagay ayaa isla xiriirinaya macluumaad khaldan oo tallaalka ku saabsan iyo xorriyadda shakhsiga. Waxaa kale oo jira kuwo dafiraya khatarta coronavirus, waxayna sheegeyaan inuu jiro qorshe ka dambeeya soo saaridda tallaalka. Sawir kale ayaa muujinaya in tallaalka uu horseedi doono in dadka laga codsado in ay soo wareejiyaan hubkooda. Balse ma jiraan caddeymo la xiriira arrimahaas. Warbixin laga sameeyay wada sheekeysiga ku saabsan tallaalka ee luqadaha Ingiriiska, Faransiiska iyo Isbaanishka, ayaa lagu ogaaday in erayga xorriyadda aad loogu adeegsaday luqadda Ingiriiska, gaar ahaan gudaha Mareykanka. Seb Cubbon, oo ka mid ah dadka wax ka qoray warbixinta kana tirsan ururka aan faa'iido doonka ahayn ee ka hortaga warbixinnada marin-habaabinta ah, ee loo garanayo First Draft, ayaa BBC-da u sheegay in tan loo sababeyn karo arrimo dhowr ah, oo ay ka mid tahay taariikhda siyaasadeed ee Mareykanka iyo xiriirka ay muwaaddiniinta aaminsan yihiin in ay la leeyihiin dowladda." https://www.bbc.com/somali/war-55141356 +entertainment "Atariishadii ""wadaadda isu baddashay"" oo farriin soo dirtay" "Atariishadii hore ee shirkadda Bollywood-ka Hindiya, Sana Khan, ayaa mahad celin weyn u jeedisay ninkeeda, Anas Saiyad, iyadoo ku ammaantay sida uu mar walba ugu dhiirrigaliyo sameynta waxyaabaha wanaagsan iyo raacista waddada toosan. Waxay soo dirtay farriin cusub oo ay ku sheegeyso in wanaagga uu qofku sameeyo aysan ahayn in dunidoo dhan laga ogaado, balse waxa muhiimka ah uu yahay 'in Alle uu wanaaggaas arko oo kaliya'. Sana oo barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir ay ku labisan tahay dhar asturan oo midabka caddeyska ah, waxayna ku dul qortay: ""Muhiim ma aha in dadku ay arkaan ama dareemaan wax fiican oo aad sameysay. Arrinta muhiimka ah waa in uu Alle arko. Waad ku mahadsan tahay Anas Saiyad sida aad mar walba iigu dhiirrigalisid jihada habboon adigoo aan eegeynin sida ay dadka kale uga falceliyaan."" 20-kii bishii November ee sanadkii 2020-kii ayey Sana iyo Anas isku guursadeen xaflad khaas ah oo aysan dad badan ka qeyb galin. Waxay warka ku saabsan arooskeeda mar qura ku shaacisay barteeda Instagram-ka, waxayna qoraal ay soo dhigtay ku tidhi: ""Waxaan isku jeclaannay Alle dartiis. Waxaan isku guursannay Alle dartiis. Alle ha nagu daayo Adduunkaan annagoo mideysan. Dibna hannoogu mideeyo Jannada."" Markaas kaddib waxay u safreen gobolka Kashmiir, si ay bisha malabka (toddobada) ugu soo qaataan. Sana waxay ka mid ahayd atariishooyinka ugu caansan gabadhaha filimada jila, waxayna u muuqatay mid xirfaddeedu ay dad badan ka filayeen hormar badan, ka hor inta aysan ku dhawaaqin in ay ka tanaasushay arrimahaas oo dhan. Dadka qaar ayaa baraha bulshada ku shaaciyay in ay si lama filaan ah isugu baddashay ""wadaad"" maadaama ay iska joojisay howshii jilista ee ay taageerada badan ku kasbatay. Filimada ugu caansan ee Sana Khan lagu xasuusto waxaa ka mid ah: Jai Ho, Wajah Tum Ho iyo Toilet: Ek Prem Katha. Sidoo kale waxay tartan u gashay inay ku biirto jilayaasha filimka laga daba dhacay ee Big Boss 6. Dhowr bilood ka hor ayey shaacisay in ay xirfaddaas joojisay, taas baddalkeedana ay hadda wixii ka dambeeya ka shaqeyn doonto ""arrimaha bani'aadannimada iyo in ay raacdo amarrada Allihii abuuray"". Anas ayaa beeniyay eedeymo isaga loo jeedinayay oo ku saabsanaa inuu ku lug leeyahay go'aanka ay Sana uga baxday safka atariishooyinka Hindiya, wuxuuna sheegay in uusan ku khasbin joojinta filimada." https://www.bbc.com/somali/war-55706616 +sports Haweeneey taratan cunto cunis ku jirtay oo geeriyootay Haweeneey u dhalatay dalkaasi Australia oo ka qeyb qaadaneysay tartan cunto cunis ah kaasi oo aan xad lahayn ayaa sababay iney markii dambe suuxdo oo ay nafteeda ku weyso. Haweeneeyda iyo tartameyaasha kale oo ku tartarmayay cunista keegga ama doolashada ayaa markii hore la soo duubay. Keeggaasi ayaa waxaa laga sameeyay qumbaha. Goobta ay ku suuxday oo uu tartarka ka dhacayay ayaa gargaarka degdega ah lagu siiyay ka dibna waxaa la geeyay cisbitaalka si ay daweyn u hesho balse nasiib darro markii dambe wey geeriyootay. Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegey in markii ay haweeneyda suuxeysay ay afkeeda gelisay mid ka mid ah keegga taasi oo sababtay iney dhibaatooto. Waxaa soo baxay muuqaal muujinayay daawadayaasha tartanka oo u sacbinaya tartamayasha ka hor inta uuusan shilka dhicin. Hooteelka tartanka martilgeliyay oo ku yaalla Hervey Bay ayaa barta Facebook soo dhigay farriin ay tacsi ugu dirayeen qoyska iyo asxaabta ay haweeneyda ka geeritootay taasi oo aan magaceeda la shaacin. Waxay adeegga ambalaaska uga mahad celiyeen isku daygii iyo jawaabtii ay ka bixiyeen shilka musiibada horseeday. Cayaarta tartanka cunto cunista ayaa caan ka ah dalkaasi Australia gaar ahaan maalinta fasaxa lagu maamuuso dadkii reer Yurub ee ugu horeeyay ee tagay dalka Australia Caadiyan tartamyaasha ayaa ku guuleysta abaalmarinno taasi oo ku xiran cadadda cuntada uu cuni karo qofka tartamaya. https://www.bbc.com/somali/war-51275337 +technology Daraasad cusub oo khatar ku tilmaantay isticmaalka Baraha Bulshada "Isticmaalka badan ee baraha bulshada wuxuu dhaawac u geysanayaa maskaxda dhalinyarada, sida lagu ogaaday daraasad cusub oo lasoo saaray. Cilmi baadhis ay sameysay hayadda waxbarashada iyo fayo-dhowrka ayaa diiradda lagu saaray barbaarta dhigata iskuullada hoose dhexe. Wiilashada iyo gabdhahaba waxyeello caafimaad way kasoo gaartaa marka ay da'dooda tahay 14 sano, laakiin gabdhaha ayaa markaas kaddib ay shaqada maskaxdooda hoos u sii dhacdaa, sida ay daraasaddu ogaatay. Waxay khubaradu sheegeen in qodob kale oo halistaas caafimaad sii xoojinaya uu yahay jimicsi la'aan - gaar ahaan xilligan lagu jiro cudurka safmarka ah oo dhaqdhaqaaqyada ay yaryihiin. Draasaddan ayaa sidoo kale sharraxday in: Caafimaadka maskaxeed ee wiilasha iyo gabdhaha labaduba wuxuu hoos u dhacaa marka ay qaan gaar yihiin, halka gabdhuhu ay aad u sii daran yihiin, sida ay daraasaddu sheegtay. Hase yeeshee cilmi baaristu waxay sheegtay in gabdhaha ay kalsoonidooda fiicnaato marka ay ku dhawaadaan 20 jir, laakiin wiilashu ay wali ku sii jiraan xaaladdaas. Isticmaalka badan ee baraha bulshada ayaa horay lool xiriiriyay dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah oo soo wajaha dadka, iyadoo aan loo eegeynin da'dooda ama heerka maskaxdooda. Balse gabdhaha ayaa horay loo sheegay in ay kala kulmaan walwal iyo rajo la'aan. ""Kuwa ay xaaladdoodu kasii darto waxaa laga yaabaa in ay baraha bulshada u galaan si ay ugu nafisaan ama wehel uga helaan,"" ayey tidhi Dr Amy Orben, oo cilmi baarista ka sameysa jaamacadda Cambridge. Daraasaddan waxay natiijadeeda u cuskatay xog laga aruuriyay 5,000 oo qof oo ku nool England. Xog aruurin kale ayaa la sameeyay bishii November si loo ogaado saameynta uu dadka da'daas ah ku yeeshay cudurka safmarka ah ee corona. Dhaqaalaha soo gala qoysaska, jimicsi la'anta iyo xasilooni darro caafimaadka maskaxda ah ayaa qeyb ka qaata xaaladaha caafimaad darro ee soo wajaha dhalinyarada, sida ay daraasaddan soo bandhigtay. Waxay cilmi baaristan ku talisay in la joogteeyo jimicsiga. ""Dhalinyaradu waa in ay helaan adeegyo ka caawiya caafimaadka maskaxda iyo jimicsi joogto ay,"" ayaa lagu yidhi daraasadda." https://www.bbc.com/somali/war-55812771 +politics Dad ku dhintay shaqaaqo dhex martay taageerayaasha madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa Booliska Kenya ayaa sheegay in laba qof ku dhinteen shaqaaqo dhex martay taageerayaasha Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo kuwa madaxweyne ku xigeenka, William Ruto. Ruto, oo cibaadadii Axadda kaga qayb galay kaniisad ku taalla degmada Muranga ee gobolka badhtamaha dalka ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Kenyatta, ayaa cambaareeyey qalalaasahaa dhacay ee ay boolisku u adeegsadeen suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala dareeriyaan dhalinyaro fadqalalo waday oo is shiidayey taayirona ku gubay wadada weyn ee magaaladaa marta oo muddo gaadiidka xayiray. Waayihii mid kamid ah culimada ugu caansan Soomaalida Kenya oo geeriyooday Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya oo rasaas isku furay Madaxweynaha oo haatan dalka Faransiiska booqasho ku jooga iyo William Ruto ayaa khilaaf xoogani ka dhex aloosmay kaas oo sababay in saraakiil ka tirsan isbahaysiga Jubilee ee talada dalka hayaa ay ku talo bixiyaan in madaxweyne ku xigeenka laga qaado xilka ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga. Ruto wuxuu quudaraynayey in uu Kenyatta uga dambeeyo madaxtooyada dalka marka la gaadho 2022 hase yeeshee waxa mucaaradad adag kala hor yimi taageerayaasha Kenyatta oo ku doodayay in ololaha uu ka bilaabay dalku yahay mid aan wakhtigiisii la gaadhin maadaama 2 sannadood ka hadhsanyihiin doorashadii. Labada nin markii ay ku guulaysteen doorashadii hore waxay ballan qaadeen inay dalka ka dawayn doonaa kala qaybsanaanta isirka ku salaysan, laakiin xukuumadda ilaa haatan waxa lagu eedeeyaa in ay uga sii dartay kala qoqobnaatii qabyaaladeed ee jirtay iyo sidoo kale musuqmaasuq ku xididaystay oo keenay in dalka laga lunsado malaayiin doolar oo ay ku jiraan 7.8 milyan oo doolar oo loogu talo galay in lagu soo iibiyo agab lagaga hortago Covid-19 oo haatan la rumaysan yahay in la xaday. Xatooyada la sheegay in lagula baxay lacagaha loogu talo galay la dagaallanka fayraska korona ayaa ah arinta ugu weyn ee dalka laga hadal hayo. Labda dhinac ee isbahaysiga talada haya ayaa mid ba dhinaca kale ku eedeeyey lunsiga lacagtaa dawladda ee loogu talo galay in wax lagaga qabto cudurka Covid-19 ee dalku la daalaa dhacayo. https://www.bbc.com/somali/54411740 +religion Walaalaha Muslimiinta ah ee labaatanka sano ku xirnaa Guantanamo Bay ee hadda la sii daayay "Labo walaalo ah oo ka soo jeeda dalka Pakistan kuwaasoo ku dhowaad 20 sano ku xirnaa xabsiga milatariga Mareykanka ee Guantanamo Bay ayaa la sii daayay iyagoo aan wax dembi ah loo heysan. Abdul iyo Mohammed Ahmed Rabbani ayaa laga soo xiray Pakistan sanadkii 2002. Aqalka Pentagon ayaa sheegay in Abdul Rabbani uu ka howlgali jiray guri ay lahaayeen al-Qaacida, halka walaalkiis uu safarrada iyo dhaqaalaha u abaabuli jiray hoggaamiyeyaasha kooxda. Walaalaha ayaa la sheegay inay jirdil kala kulmeen saraakiisha CIA, kahor inta aanan loo gudbin Guantanamo. Labadaba waxaa dib loogu celiyay Pakistan. Xerada Guantanamo, oo ku taalla Cuba, ayaa waxaa sameeyay madaxweynihii hore George W Bush sanadkii 2002 si loogu xiro dadka ajaanibta ah ee looga shakiyo argagixisada kaddib weerarradii 9/11 ee New York. Waxay ku taallaa saldhigga ciidamada badda ee Mareykanka. Balse xerada ayaa waxaa lagu cambaareeyay qaababka su’aalo weydiinta oo la sheegay in dadka loo geysto jirdil, iyadoo sidoo kale lagu hayo halkaas muddo dheer oo aan wax maxkamad ah la soo saarin. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu xiro shirkadda, halkaasoo 32 qof ay weli ku xiran yihiin. Sanakdii 2003 waxaa xaruntan markiiba lagu xiri jiray 680 qof. ""Mareykanka ayaa ka mahad naqay sida ay dowladda Pakistan iyo dalalka kale ee saaxiibka la ah ay u doonayaan inay taageeraan dadaallada Mareykanka ee diiradda lagu saarayo yareynta dadka xiran iyo in gebi ahaanba la xiro xabsiga Guantanamo Bay,"" ayaa lagu sheegay war uu soo saaray Aqalka Pentagon. Walaalaha ayaa waxaa qabtay waaxaha ammaanka ee Pakistan ee magaalada Karachi bishii September 2002. Waxay ku qaadatay ilaa labo sano in la geeyo Guantanamo kaddib markii ay CIA ku hayeen xarun ku taalla Afghanistan. Sanadkii 2013, Ahmed Rabbani ayaa bilaabay cunto ka soomid is daba jog ah oo qaadatay muddo toddobo sano ah. Wuxuu cuni jiray oo uu ku noolaa fitamiinnada, mararka qaarna waxaa si qasab ah loogu quudin jiray tubo. Clive Stafford Smith, oo ah qareen la shaqeeya 3D Centre oo labadan nin wakil ka ahaa, ayaa BBC u sheegay inuu isku dayi doono inuu maxkamad la tiigsado kiiska walaalaha, ""balse fursadooda ah inay magdhow helaan aad ayay u yar tahay. Xitaa ma heli doonaan raalligelin fudud"". Labada nin ayaa sii deytooda la ansixiyay sanadkii 2021. Ma cadda sababta ay weli ugu sii jireen xabsiga. Xaaska Ahmed Rabbani ayaa uur lahayd markii la xirayay, shan bilood kaddib ayayna dhashay wiil. Isagu weligii lama kulmin wiilkiisa. ""Waxaan la hadlayay wiilka Axmed, Jawad kaasoo 20 jir ah weligiisna lama kulmin oo ma taaban aabbihiis hooyadiisna uur ayay lahayd markii Ahmed la afduubtay. Waxaan la kulmay Jawad dhowr jeer, waxaana rajeynayaa inaan la joogo marka ugu horreysa ee ay laabta is gelinayaan,"" ayuu yiri Mr Stafford Smith. Markii u uku jiray Guantanamo, Ahmed Rabbani wuxuu yeeshay magaca ah farshaxanka weyn. Wuxuu magaalada wuxuu qorsheynayay in isaga iyo 12 kale oo Pakistan u dhashay inay magaalada Karachi ku qabtaan bandhig farshaxan bisha May, sida uu sheegay Mr Stafford. Maya Foa, oo ah agaasimaha hay’adda caddaaladda ee Reprieve, oo wakil sharciyeed ka ahayd Ahmed Rabbani ilaa sanadkii hore, ayaa 20-ka sano ee uu xirnaa ku tilmaantay ""musiibo"" taasoo ""muujineysa sida uu Mareykanku uga fogaaday qeynuunadiisa intii uu socday 'dagaalka argagixisada"". ""Waxay dhaceen qoyska wiil, sey iyo aabbe. Caddaalad darradaas weligeed lama sixi karo. They robbed a family of a son, a husband and a father. That injustice can never be rectified. Xisaabin dhab ah oo ku saabsan dhibaatooyinkii uu sababay 'dagaalkii argagixisada' ee musiibada lahaa wuxuu keliya bilaaban karaa marka Guantanamo la xiro,"" ayay intaas raacisay." https://www.bbc.com/somali/articles/cw438wnwmy2o +politics Waa sidee guriga uu ku noolyahay Ra'isul Wasaaraha Hindiya Mr. Modi? "Guriga uu ku nool yahay Ra'iisul Wasaaraha Hindiya ayaa dhaliyay hadal hayn badan kadib markii dowladda dalkaasi ay shaacisay qorshe baraalan oo ay lacag badan ku baxayso kaas oo guri aad u weyn oo kale loogu dhisayo Ra'isulwasaaraha dalkaas. Haddaba waa sidee guriga uu hadda degenyahay Mudane Narendra Modi Waa guri ku yaala goobo raaxo ah, baaxad weyn leh, kuna fadhiya illaa 3KM, islamarkaasna indho daraandar leh qurux ahaan. Dhulka uu ku yaallo guriga ayaa ah mid weyn, waxaan ku dhisan shan dabaq, waxaana ku taalla beer weyn oo tan nasiinada ah, wuxuu 3 kiiloomitar u jiraa aqalka madaxtooyada iyo baarlamaanka. Guriga waxaa ku yaalla qeybaha martida ay seexato oo aad u qalabaysan, xafiisyo, qolal waasac ah oo lagu shiro, meelaha ay diyaraadaha qumaatiga u kaca kusoo degaan iyo goobo maddaalo. Sanado ka hor, gurigiisa waxaa la qoday waddo weyn oo dhulka hoostiisa marta taas oo ku xireysa garoonka diyaaradaha ee Safdarjung. ""Ra'iisul Wasaaraha Hindiya waxaa u xiran xaafad dhan- halka xafiiska Ra'iisul Wasaaraha UK ee 10 Downing Street uu yahay hal albaab oo uu ku qoran yahay hal lambar"" ayuu yiri Gautam Bhatia oo ah injineer dhismaha guryaha oo fadhigiisu yahay magaalada Delhi. Dhisamahan waxaa doortay Ra'isulwasaarihii hore ee Hindiya Rajiv Gandhi sanadkii 1984, waxaana la doonayay in laga dhigo guri kumeel gaar ah, wixii xilliggaas ka dambeeyay wuxuu noqday guri ay degaan Ra'iisul wasaarayaasha Hindiya. ""Xilliggii Rajiv Gandhi wuxuu ka koobnaa saddex dabaq, markii dambe waxaa laga dhigay shan dabaq si loo qaabilo shaqaale iyo laamaha amniga oo badan"" ayuu yiri Mohan Guruswamy, oo ah falanqeeya siyaasadda isla markaana si joogto ah u booqan jiray halkaas. Dhismahan dhowr jeer ayaa dhismahan dayactir lagu sameeyay. Sanadihii u dambeeyay , dadweynaha waxay u muuqdaan kuwa dusha kala socda waxyaabaha qaar ee ka socda dhismaha uu degan yahay Ra'iisul Wasaaraha xilli dhawaan xafiiska Narendra Modi uu baahiyay muuqaallo ku saabsan Ra'iisul Wasaaraha oo quudinaya shimbirta Daa'uusta, isaga oo sameynaya jimicsiga Yoga iyo xilli uu hooyadii ku riixay baaskiilka lagu qaado dadka naafada ah. Dowladda Hindiya waxay bilowday mashaaric waaweyn ay ku dhiseyso xarun baarlamaan oo cusub, guryo ay degi doonaan madaxweyne ku xigeenka iyo Ra'iisul Wasaaraha, waxaana lagu wadaa in mashruucaas uu ku baxo $2.7 balyan oo doolar. Sida laga soo xigtay dokumentiyada dowladda, Ra'iisul Wasaaraha wuxuu degi doonaa guryo cusub oo toban dabaq ka kooban, waxaana sidoo kale halkaas laga dhisi doonaa guriga madaxweynaha iyo xafiisyada wasaaradda gaashaandhigga. Mas'uuliyiinta waxay sheegayaan in guriga hadda uu degan yahay Ra'iisul Wasaaraha uu ku yaallo meel aanan ku habooneyn oo amnigeedu aanan wanaagsaneyn isla markaana loo baahan yahay in la helo dhismo wanaagsan oo raaxo ah, oo ay fududatahay in la dhowro. Waxay sheegeen in loo baahan yahay in Ra'iisul Wasaaraha uu helo guri u dhaw xafiskiisa maadama waddooyinka ay saxmadda ka jirto taas oo caqabad ku ah howlihiisa shaqo. Arrimahan oo dhan ayaa dhacaya xilli dadka dalkaas ay la tacaalayaan cudurka karoonaha." https://www.bbc.com/somali/57251039 +technology Farriin whatsapp-ka lagu faafiyay oo sababtay in la garaaco haweeney uur leh "Dad ku sugan magaalada Delhi ee dalka Hindiya ayaa garaacay haweeney uur leh, ka dib markii ay uga shakiyeen inay carruur afduubatay. Taliska booliska ayaa BBC-da u sheegay in haweeneyda la garaacay, oo 25 jir ah, ay hadda xaaladdeeda wanaagsan tahay, saddex ruuxna loo xiray falkaas. Dhacdadan ayaa qeyb ka ah weerarro xiriir ah oo ay sababeen warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in carruur lagu afduubtay magaalada caasimadda ah iyo deegaannada jaarka la ah. Falkan ugu dambeeyay ayaa la sheegayaa in farriintiisa dadka lagu gaarsiiyay adeegga Wahatsapp-ka, iyadoo haweeneydaasna mar qura la far fiiqay. Sanadkii lasoo dhaafay, weeraro noocan ah ayaa lagu garaacay dad badan, halka qaarna lagu dilay, ka dib markii ay soo baxeen sheekooyinka la xiriira in carruur la afduubtay. Muuqaal laga soo duubay falka lagu waxyeelleeyay haweeneyda uurka leh ayaa muujinaya iyadoo ay ku hareereysan yihiin koox dad ah. Waxaa sidoo kale laga maqlayaa iyagoo ku eedeynaya inay carruur qafaalatay. Tirada ugu badan ee weerarrada noocan ah ayaa laga diiwaan galiyay gobolka waqooyiga ku yaalla ee Uttar Pradesh, kaasoo xuduud la wadaaga magaalo madaxda Delhi. ""Ugu yaraan 46 kiis ayaa lasoo tabiyay tan iyo 29-kii bishii lasoo dhaafay ee Agoosto. Dhammaan kiisaskan, waxaan ogaannay inaan loo heynin wax caddeymo ah oo muujinaya in carruur la afduubtay"", agaasimaha guud ee ciidamada booliska OP Singh ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. ""Waxaan dadka ka codsaneynaa inaysan rumeysanin wararka la isla dhex maro ee noocaas ah. hadduu uu shaki kugu jiro, booliska uun telefoon ka wac, [adigoo kala xiriiraya lambarka ah 100], ama kala xiriir barahaha xiriirka bulshada"", ayuu yiri taliyaha. Degmada Ghaziabad, oo ku taalla duleedka magaalada Delhi, ilaa 6 kiis oo noocaas ah ayaa laga diiwaan galiyay bishii Agoosto gudaheeda. ""Mid kamid ah kiisaska, koox dad ah ayaa weeraray haweeney waayeel ah, xilli ay bannaanka la joogtay carruurta ay adeeyada u tahay. dadka ayaa weerarka ku qaaday maadaama midabka maqaarka jirkeeda uusan la mid ahahy kan carruurta ay xilligaas wadday"", sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo boolis ah, oo lagu magacaabo Neeraj Jadaun. Wuxu intaas ku daray in dhammaan dadkii lagu tuhmay inay falkaas ka dambeeyeen xabsiga loo taxaabay. Inkastoo dhacdooyinka noocan ah laga soo tabinayo guud ahaan waddanka Hindiya, haddana wali ma cadda in heerka afduubka carruurta uu sare u kacay. Wararka xanta ah ee ku saabsan afduubka carruurta ayaa inta badan lagu faafiyaa Whatsapp-ka iyo farriimaha gaaban ee telefoonnada. Saraakiisha booliska ayaa dadka ku boorrinaya inaysan aaminin guud ahaan wararka afduubka carruurta ku saabsan ee ay ku arkaan baraha bulshada ama farriimaha loogu soo diro." https://www.bbc.com/somali/war-49553870 +politics Xaqiiqooyin cajiib ah oo ku saabsan Barasaabka Nairobi ee la xiray "Ciidamada booliska ee Kenya ayaa maanta xabsiga u taxaabay Barasaabka magaalada Nairobi, Mike Sonko, oo ka mid ah siyaasiyiinta xilalka sar sare ka haya waddanka. Xariggiisa ayaa yimid saacado ka dib markii uu Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Xaaji soo saaray warqad booliska ku amreysa inay soo xiraan Mike Mbuvi Sonko, si wax looga weydiiyo lacago ka mid ah dhaqaalihii ismaamulka uu hoggaanka u hayo. lacag gaareysa Sh357 milyan oo shilinka kenya ah(oo u dhiganta in ka badan $3.5 milyan oo doolar) ayaa la la'yahay. Laakiin ma ogtahay in Sonko uu si weyn uga duwan yahay siyaasiyiinta kale ee Kenya, ayna jiraan xaqiiqooyin cajiib ah oo isaga si gaar ah ugu saabsan? Ka hor inta aan Mike Sonko loo dooranin inuu noqdo duqa magaalada Nairobi, wuxuu ahaa xubin ka mid ah aqalka odayaasha ee Senate-ka Kenya, isagoo matalayay ismaamulka Nairobi intii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii ilaa 2017-kii. Siyaasigan waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu hantida badan dalka Kenya, wuxuuna magaciisu safka hore ee wararka ku jiray muddo dheer. Waxyaabaha aad loogu yaqaanno Sonko waxaa ka mid ah inuu mar walba ku labisto dhar soo jiidasho leh, oo dadka qaarkiisna ay u arkaan kuwo maad leh, laakiin isagu uu xarrago ahaan ka dhigto. Xilligii uu ka tirsanaa aqalka baarlamaanka, gaar ahaan golaha Senate-ka, waxaa jirtay mar lagu dhaliilay nooca labiska uu uga qeyb gali jiray kalfadhiyada, maadaama uu aad uga duwanaa mudaneyaasha kale. Hase yeeshee taageerayaashiisa ayaa si joogto ah u muujiya inay la dhacsan yihiin hab-labiskiisa, iyagoo ugu yeera qaabka loo yaqaanno ""Hip-Hop Style"". Sidoo kale siyaasigan ayaa la sheegaa inuu aad diiradda u saaro habka jarashada timaha, kaasoo uu marba qaab ka dhigto. Labisyada kale ee Sonko waxaa ka mid ah dhagaha, faraantiyada, silsiladaha qoorta lagu xirto iyo okiyaaleyaasha loogu talagalay qorraxda, kuwaasoo mar walba si joogto ah loogu arko. Siyaasigan aftahanka ah ayaa sheegay inuu labiskiisa cajiibka ah uga dan leeyahay inuu ugu adeego dhalinyarada jiilka cusub ah. Tan iyo markii uu Sonko la wareegay xilka duqa magaalada Nairobi, wuxuu marar badan warbaahinta iyo baraha bulshada uga hadlay howlgallo uu fuliyay oo la xiriira dhinaca la dagaallanka Musuqmaasuqa iyo caddeymo uu helay oo uu soo bandhigay. Wuxuu si toos ah u magacaabaa siyaasiyiin kale iyo saraakiil uu ku eedeeyo inay wax isdabamarin sameeyaan. Hase yeeshee, sida hadda muuqata, waxaa loo heystaa lacag farabadan oo ka maqan dhaqaalaha ismaamul goboleedka Nairobi ee uu isagu hoggaanka u hayo. Dacwad oogaha guud ee Kenya Nuuradiin Xaaji, oo ah wiilka uu dhalay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa sheegay in xafiiskiisa uu gacanta ku hayo caddeymo ku filan eedeymaha musuqmaasuqa ah ee lacagta looga lunsaday maamulka Nairobi. Sonko ayaa marar badan la arkay isagoo u doodaya dadka dakhligoodu uu hooseeyo, kuwaasoo uu 'u dagaallamo' sidii uu ugu soo dhicin lahaa xuquuqdooda uu sheego in la duudsiiyay. Taageerayaashiisa waxaa ka mid ah ganacsatada loo yaqaano waratada, kuwaasoo marar badan uu dooday intii uu xilka hayay iyo ka horba. Sidoo kale wuxuu dhowr jeer warbaahinta kasoo muuqday isagoo la tacaalaya dad uu ku eedeynayay inay si sharci darro ah ku qaadanayeen dhul ay dad danyar ah lahaayeen. Sonko ayaa lagu yaqaannaa inuu si qarsoodi ah ku tago goobaha loogu adeego dadweynaha, sida isbitaallada guud iyo xarumaha kale ee dowladda, wuxuuna mararka qaar tagaa isagoo ay la socdaan ilaalo kooban. Ninkan oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka Kenya, waxaana soo doortay dad gaaraya illaa 7 milyan oo qof oo ku nool caasimadda Nairobi, balse ma ahan nin ka baqaya in uu ka sheekeeyo wixii uu soo maray. Bishii January ee sanadkan 2019-ka, idaacadda la'iska arko ee Citizen ayuu si toos ah uga sheekeeyay taariikhdii uu soo maray. Sonko oo marti ku ahaa barnaamijka JKL ayaa barnaamijka la yimid waraaqo badan oo muujinaya musuqmaasuq ka socda maamulka Nairobi, iyo saraakiil badan oo uu shaqada ka eryay. Laakiin dhanka kale wuxuu ka sheekeeyay taariikh nololeedkiisa dhinaca musuqmaasuqa iyo waxa uu ugu yeeray ""tuugnimo"". ""Waxaa habboon in aad bulshada runta u sheegto, runtana waxa ay tahay aniga waxaan soo ahaan jiray tuug, dambiile, turuufaale, balse hadda dadka Nairobi oo dhan 7 milyan oo qof ayaa igu aaminay mas'uuliyad, markii aan xildhibaanka noqday (hadda ka hor) ayaan iska dhaafay tuugonimada"" ayuu yiri Soko. Dad badan oo ka mid ah taageerayaasha Sonko ayaa si toos ah ugala socda bogagga uu ku leeyahay baraha bulshada, sida facebook. Mararka qaar si toos ah ah ayuu toos uga soo muuqdaa isagoo kala sheekeysanaya dadka ku xiran. Mid ka mid ah dhacdooyinka layaabka lahaa waxay ahayd markii uu isagoo toos ugu jira boggiisa Facebook-ga lacago u qeybiyay qaar ka mid ah taageerayaashiisa. Wuxuu xitaa boggaas u adeegsadaa inuu ku baahiyo arrimaha xasaasiga ah ee ay warbaahinta la iska arko ka caga jiidaan. Sonko ayaa hadda wajahaya maxkamadeyn, waxayna sida muuqata dadka reer Kenya isha ku heynayaan sida uu u dhaco kiiska hadda loo xiray." https://www.bbc.com/somali/war-50685025 +sports Stadium Muqdisho: Garoonkan oo lagu qabanayo tartan kubadda cagta ah Tartanka horyaalka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa si xiiso leh dib uga bilowday garoonka istaadiyo Muqdisho. Taas waxay ka dhigan tahay in markii ugu horreysay tartanka lagu qabanayo, tan iyo markii garoonka dib loo dayactiray. Maxamed Cumar Baakaay oo ka faallooda ciyaaraha, kuna sugan Muqdisho ayaa arrintaas uga warramay Weriyaha BBC, Mowliid Xaaji Cabdi. https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-57211637 +health Dhibaatada corona: Sida Afrika ay u xalisay dhibaatada cudurka Covid-19 "Qaaradda Afrika si xun ugama dhicin 'saamaynta cudurka coronavirus' sida dalalka kale ee adduunka, balse kiisaska cusub maalin kasta kor ayey u kacayaan, dawladuhuna waxay soo saareen tillaabooyin bulshada lagu farayo in ay kala fogaadaan. In kasta oo aafadu u daran tahay ganacsiga, haddana qaar ka mid ah ganacsatada Afrikaanka ah waxay u dhaqaaqeen inay qayb ka noqdaan xalka waxayna arkayaan fursado cusub. In si joogto ah loogu farxasho saabuun iyo biyo diiran ayaa ah mid ka mid ah qaababka ugu waxtarka badan ee looga hortago faafitaanka cudurrada safmarka ah. Laakiin sida laga soo xigtay hay'adaha Gargaarka Biyaha, afar ka mid ah 10-kii qof ee dunida ku nool ayaan helin tasiilaadka gacmo-dhaqashada ee aasaasiga ah. Mid ka mid ah siyaabaha uu cudurka coronavirus ku faafo waa iyada oo la marayo meelaha wasakhda ah. Caadeysiga gacmo dhaqista joogtada ah waxay ka hortagi kartaa caacudurka, laakiin fayrasku wali wuu faafi karaa, iyadoo dadku ay u muuqdaan inay taabtaan tuubbada iyo waxyaabaha kale ee ku xeeran. Magaalooyiinka qaar, sida Freetown oo ku taal Sierra Leone, dad tiradooda lagu qiyaasay 2 milyan oo qof ayaa haysta biyo-siin ku habboon in loo isticmaalo wax aan ka badnayn 800,000 oo qof, sida laga soo xigtay hay'adda caalamiga ah ee la-talinta horumarinta adduunka ee IMC. Biyuhu markii horeba way yaraayeen, haddana gacmo-dhaqashada ayaa lagu sii dhameeyay. Si loo xalliyo dhibaatadan, hal ganacsi ayaa soo saaray waxyaabo la qaadi karo oo gacanta lagu qaadan karo oo hadda la dhigo hareeraha dukaamada, bangiyada iyo dhismayaasha dowladda. Xarunta Wershadaha Fomel iyo Warshadaha Qaranka (FINIC), waxay soo saaraan qalabka wax lagu karsado, kuwa beeraha iyo mashiinno kale. Laakiin hadda shirkadda, oo uu aasaasay Melvin Foday Kamara, waxay soo saareysaa tubbada farxalka oo la qaadi karo taas oo bilaash ah oo ay ku shaqeyso lugta si biyaha ay u soo baxaan, waxayna leedahay meel saabuunta looga shubo iyo meel biyaha lagu shubo. Biyaha nadiifka ah ayaa sidoo kale gabaabsi ku ah caasimadda Zimbabwe ee Harare. dadka deegaanka waxay BBC u sheegeen in ay hadda ku gacmaha ku dhaqdaan biyo iyo shaambo, maadaama aysan awoodin inay iibsadaan dareeraha gacmo-nadiifiyaha ah. ""Meesha aan ku noolahay waxaa aad ugu yar biyaha socda, sidaa darteed runtii waa in aan haysannaa baaldi biyo ah si ay noogu fududaato inaan gacmaha dhaqno,"" Wadzanayi Musasa ayaa sidaas yiri. ""Markii aan ka soo baxno dukaamada, waxaan is saarnaa gacmo-gashiga ka dibna saabuun iyo biyo ayaan ku farxalanaa."" Shirkadda ka shaqeysa Maareynta qashinka iyo bixinta biyo nadiif ah ayaa hadda u qeybineysa biyo xaafadaha Harare iyo aagagga ganacsiga ee gawaarida xamuulka, si ay shacabka u soo uruuriyaan baaldiyo dheeri ah oo biyo ah si loo hubiyo in heerarka nadaafadda la ilaaliyo inta lagu gudo jiro bandowga. Shirkaddu waxaala saasaasay 2018, ka dib laba canuun daacuun ah oo daran oo soo maray Zimbabwe sannadihii 2008 iyo 2018. Shirkadda ayaa sheegtay inay ogaatay in wax la qabtay si looga hortago faafitaanka cudurada safmarka ah. Marka la barbardhigo dadka ku nool waddamada hodanka ah, iyo shucuubta wadamada soo koraya, waxaa soo bexeysa in dalalka hadda soo koraya in ay wasaq badan ay saameysay oo aan la maamuli karin, kaas oo khatar gelinaya caafimaadka aadanaha iyo deegaanka labaduba. In ka badan 90% qashinka waddamada soo koraya ayaa ku dhaca meelo qashin-qubka, sida lagu sheegay xogta laga soo xigtay Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay. Maalin kasta, Shirkadda Clean City waxay sidoo kale bixisaa adeegyo jeermis dile ah oo guud ahaan Harare la gaarsiiyo, oo lagu dalban karo isticmaalka mobiilka. Hal tusaale, warshadaha ayaa sare u qaaday wax soo saarka daabacadda 3D - shirkadaha teknolojiyad, jaamacadaha iyo shirkadaha daabacaadda ayaa gacan ka geysanaya jawaabta la xiriira yaraanta qalabka caafimaadka iyo qalabka kale ee culus ee isbitaallada u baahan yihiin. Malawi waxaa soo foodsaaray shaqaalo yari aad u daran ee PPE intii lagu guda jiray bandowga uu sababay coronavirus. Shaqaale yaraanta ayaa u sabab ah kharashaadka soo iibsashada qalabka, iyo sidoo kale carqalad uu sababay masiibada ku dhacday sahayda adduunka. Shirkada teknoolojiyadda ee ku saleysan Blantyre iMoSyS waa mid ka mid ah shirkadaha hadda adeegsanaya barnaamijyadooda 3D iyo kumbuyuutarrada ay ku shaqeeyaan ee loo yaqaan (CAD) si loo naqshadeeyo gafuur-xirka wajiga iyo gaashaanka wejiga ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka. Caadi ahaan shirkaddu waxay diiradda saareysaa bixinta adeegyada casriga ah ee kumbuyuutarada ee IT-ga iyo injineernimada si ay awood ugu siiso kormeerka fog ee geedi socodka warshadaha, kaabayaasha iyo caafimaadka bukaanka. Ganacsade Mayamiko Nkoloma, oo ah madaxa fulinta ee hay'adda iMoSyS, ayaa sheegay in shirkaddiisu ay codsiyo badan ka heshay guud ahaan qaaradda Afrika, laakiin sidoo kale ay ka timid waddamada dibadda oo uu ku jiro Ingiriiska. ""Wax walbo waa macquul. Waxaan ku bilownay fikir oo keliya, laakiin waxaan ku meelmarineynaa warshadaha, waxaanan u diyaarinay sidii aan u xallin lahayn caqabadaha,"" BBC ayuu sidaasi u sheegay. ""Siduu u xun yahay coronavirus-ku, waxay fursad u siisay hoggaamiyeyaal badan oo ganacsi iyo kuwa dowladda ku jira inay dib uga fakaraan,"" ayuu yiri Mr Karama. ""Waa muhiim in aan ka faa'iideysano hal abuurnimada... waa muhiim in Afrika ay bartaan wax soo saarka, iyo in aan la soo gelin wax walba.""" https://www.bbc.com/somali/war-52804906 +politics Dagaalka Qabow ee Shiinaha iyo Mareykanka: Muxuu yahay iska hor imaatka qarsoon ee u dhexeeya labadan dal? "Kulan dhexmaray saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Biden iyo dhigooda Shiinaha, waa fursaddii ugu horeysay ee fool-ka-fool ah oo lagu cabiro dhaq dhaqaaqa xiriirka labada dal. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, iyo La Taliyaha dhanka Amniga Qaranka, Jake Sullivan, ayaa Alaska kula kulmi doono diblumaasiga ugu sareeya Shiinaha, Yang Jiechi, iyo wasiirka arrimaha dibadda, Wang Yi. Kahor kulanka, Mr Blinken wuxuu xusay in tani aysan ahayn ""istiraatiijiyad wadahadal"" mana jirin ""hadaf laga leeyahay "". Sida uu sheegay: ""Wax qabadyadan haddii ay tahay in ay raacaan, runti waa in ay ku saleysnaadaan soo jeedinta ah in aan aragno horumar la taaban karo iyo natiijooyin la taaban karo oo ku saabsan arrimaha naga khuseeya Shiinaha."" Xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha waa kii ugu xumaa ee soo mara, muddo sanado ah, waxayna umuuqataa in uu sii xumaanayo weli. Waxay noqotay wax iska caadi ah in lagu tilmaamo xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha inuu yahay ""Dagaal Qabow"" oo cusub, oo tixraac u ah loolanka u dhexeeya Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeet. Haddii ""Dagaalkii Qaboobaa"" uu micnihiisu yahay halgan weyn oo ku lug leh dhammaan dhinacyada awoodda qaran ee u dhexeeya laba nidaam siyaasadeed oo aan is-waafaqi karin, markaa si cad tartanka Mareykanka iyo Shiinaha wuxuu leeyahay dhawaqyo iska horimaadkii Mareykanka iyo Soofiyeeti la mid ah. Istiraatiijiyadda ku-meel-gaarka ah ee Maamulka Biden ayaa la sii daayay horraantii bishan. Waxaana lagu xusay in Shiinaha uu yahay dalka keliya ee u babac dhigi kara Mareykanka, haddii ay noqon lahayd awoodiisa dhaqaale, diblomaasiyadeed, militari iyo teknoolojiyadeed ba, si loo wajaho caqabadda joogtada ah ee nidaamka caalamiga ah ee xasilloon oo furan"". ""Shiinaha wuxuu qaatay mowqif muujinaya rabitaanka xiriir wanaagsan, iyadoo uu sii laba jibaarayo danihiisa gaarka ah ee dimuqraadiyadda ka soo horjeedda, gaar ahaan arrimaha Hong Kong, iyo caburinta aan xishoodka lahayn ee muslimiinta Uighur ee laga tirada badan yahay,"" ayaa lagu sheegay qoraalka Mr Blinken. Beijing mararka qaar waxay lumisaa fursad ay ku tilmaamto xanuunnada nidaamka Mareykanka. 'Wuxuu Shiinaha ku guul darreystay maaraynta musiibada xanuunka Covid-19,' mudadii uu xilka hayey madaxweynihii hore Donald Trump. Marka la eego ereyada kor ku xusan waxaa laga yaabaa in sumadda ""Dagaalkii Qaboobaa"" ay u muuqato mid sax, laakiin sidee ayey faa'iido u leedahay runti? Dagaalkii Qaboobaa ee asalka ahaa, Midowgii Soofiyeeti iyo xulafadiisii ​​inta badan waxay ka go'doonsanaayeen dhaqaalaha adduunka, waxaana aasaas u ahaa xanibidda dhoofinta agabka. Taas bedelkeeda, Shiinaha ayaa ah isha dhaqaalaha adduunka, dhaqaalihiisuna wuxuu si qoto dheer ugu dhex milmay kan Mareykanka. In kasta oo Dagaalkii Qaboobaa ee hore uu lahaa aragti farsamo oo muhiim ah - sida hubka iyo tartanka hawada sare - balse loollanka cusub ee Mareykanka iyo Shiinaha wuxuu ku lug leeyahay teknoolojiyadaha muhiimka ah ee sii hormarin doonaa bulshadeenna mustaqbalka, sida sirdoonka macmalka ah iyo 5G. Xaaladda guud ee adduunku way ka duwan tahay. Dagaalkii qaboobaa, adduunka waxaa loo qaybiyey laba xero. Laakiin qaabka Dagaalkii Qaboobaa waa mid qoto dheer oo qatar ku ah ixtiraamka aasaasiga ah. Dagaalkii qaboobaa wuxuu ahaa halgan siyaasadeed oo aan wadar ahaan lagu soo koobi karin oo dhinac walba uu ku diiday sharci ahaanshaha kan kale. In kasta oo Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ay dhif iyo naadir tahay in ay wax garaacaan, haddana dad aad u tiro badan ayaa ku lumay isku dhacyada wakiillada adduunka. Shiinaha, in kastoo, uusan ahayn Midowgii Soofiyeeti haddana, aad ayuu uga awood badan yahay. Markii ugu sarreysey Koboca dhakhliga gudaha ee Midowgii Soofiyeeti wuxuu ahaa boqolkiiba 40%, marka loo barbardhigo kan Mareykanka, hase yeeshee Shiinaha wuxuu yeelan doonaa dhakhli la mid ah kan Mareykanka toban sano gudahood. Tartanka Shiinaha waa midkii ugu adkaa ee Mareykanka uu wajahayo, tan iyo qarnigii 19aad. Dhibaatada Shiinaha iyo Madaxweyne Biden waa mid adag. Ujeeddooyinkiisa siyaasadeed ee arrimaha dibadda ayaa dhaqso u wajahaya Beijing. Laakiin inkasta oo nooca tartanka uusan aheyn mid la dhayalsan karo, haddana waa inaan laga badbadin. Mareykanku miyuu ka soo kaban karaa fowdadii Trump oo dib ma u soo nooleyn karaa dimuqraadiyaddiisa? Miyuu ku qancin karaa xulafadiisa in Mareykanka uu si rasmi ah dib ugu soo laabtay sidiisii hore, isagoo ah laacib lagu kalsoonaan karo masraxa adduunka? Mareykankana si dhaqso ah ma u ballaarin karaa saldhigiisa waxbarasho iyo tiknolojiyadiisaba? Shiinaha ma la qabsan karaa koritaanka dhaqaalaha oo gaabis ah iyo dadka da'da ah? Xisbiga Shuuciga ah miyuu awoodi doonaa inuu soo ceshto daacadnimada iyo taageerada bulshada Shiinaha muddada fog? Shiinaha wuxuu leeyahay awood badan laakiin sidoo kale nuglaansho badan. Mareykanka wuxuu leeyahay daciifnimo weyn laakiin sidoo kale firfircoonaan badan. Waa ciyaaryahanno adduunka muhiim u ah iyo guud ahaan nolosheena oo dhan." https://www.bbc.com/somali/war-56417495 +sports George Floyd: Derek Chauvin ayaa waxaa soo foodsaaray arin la xiriirta qoyskiisa "Derek Chauvin, oo ah askarigii qoorta uga istaagay George Floyd isla markaana loo haysto dilkiisa, ayaa xaaskiisa waxa ay ka dalbatay furriin, sida ay warbaahinta ABC News kasoo xigatay qareenka haweeneydaasi. War qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska qareenkeeda ee Sekula Law Office ayaa lagu sheegay in Kellie Chauvin ay aad uga naxday geerida George Floyd, ayna murugada la qeybsaneyso qoyskiisa. ""Waxa ay Derek Chauvin ka dalbatay furriin, maadamaa aysan wax carruur ah isu dhalin, waxa ay Kellie codsaneysaa in gebi ahaanba qoyskeeda la siiyo ammaan xilligan adag,"" ayaa lagu sheegay qoraalka ay soo xigatay warbaahinta ABC News. Chauvin ayaa la xiray gelinkii dambe ee Jimcaha isagoo lagu eedeeyay dilka Floyd. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago Isniinta, isla markaana dad kale loo qabto dilka ninkaasi, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha deegaanka Hennepin, Michael Freeman. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay inuu hayo caddeyn muujinaysa in Chauvin uu ninka dhintay jilibka qoorta uga hayay muddo 8 daqiiqo iyo 46 ilbiriqsi ah, taasoo 2 daqiiqo iyo 53 ilbiriqsi oo kamid ah uusan nuux-nuuxsaneyn Floyd. Minneapolis: Caro ka dhalatay wariye la xiray isaga oo tebin toos ah ku jira Aqalka Cad oo la xiray iyadoo rabshadaha ay ku fideen magaalooyin hor leh Hanti Soomaali leeyihiin oo lagu boobay mudaharaadkii ka dhashay dilka ninka Mareykanka madow ah Dibedbaxyo rabshado wata oo ka dhashay dilka George Floyd ayaa ku baahay magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka. New York iyo Los Angeles ayaa kamid ah ilaa labaatan magaalo oo ay hareeyeen dibedbaxyada. Magaalada Detroit, wiil 19 jir ah ayaa ku dhintay rasaas uu gaari wadada marayay ku furay dad mudahaaradayay. Minneapolis dad dibedbaxayay oo jebiyay bandow magaaladaasi la saaray ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal halkaa ku yaal. Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa si aan horay looga baran ku amartay ciidamada dalkaasi inay heegan galiyaan cutubyo ka tirsan booliska milateriga ah, si haddii loo baahdo ay gacanta ugu dhigaan xaaladda Minneapolis." https://www.bbc.com/somali/war-52861697 +politics Caleema saarka 2021: Maxaa la filayaa inay dhacaan maalinta Biden la dhaarinayo? "Joe Biden waa madaxweynaha la doortay ee Mareykanka. Balse Biden oo xisbiga Dimuqraaddiga ka soo jeeda si rasmi ah uguma wareegi doono Aqalka Cad ilaa maalinta caleema saarka - oo ah marka uu Biden u dhaaran doono madaxtinnimada. Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa wax kasta oo ku saabsan maalinta caleema saarka madaxweynaha Mareykanka. Caleema saarka waa munaasabad lagu dhaarinayo madaxweynaha la doortay iyo ku xigeenkiisa ee Mareykanka. ""Waxaan si dhab ah ugu dhaaranayaa inaan si ay daacadnimo ku jirto u qaban doono Xafiiska Madaxweynaha Mareykanka, inta karaankeyga ahna waan ilaalin doonaa, dhowri doonaa waana difaaci doonaa Dastuurka Mareykanka."" Waa erayada uu ku dhaarto madaxweynaha la doorto ee Mareykanka. Marka uu erayadaas ku dhawaaqo, Mr Biden wuxuu si rasmi ah u noqon doonaa madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, caleema saarkana wuu soo gaba gaboobayaa (balse dhamaman dabaal degyada dhaqameed saas uma dhacaan). Sharci ahaan, maalinta caleema saarka waa 20-ka January. Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris ayaa duhurnimada maalintaas lagu dhaarin doonaa Washington DC. Khudbadaha furitaanka ayaa la jeedin doonaa abbaaro 11:30 EST (16:30 GMT). Marka uu Mr Biden dhaarto, waxaa si rasmi ah loogu wareejinayaa xafiiska iyo awoodda madaxtinnimada. Gelinka dambe ee maalintaas ayuu u guuri doonaa Aqalka Cad - kaas oo afarta sano ee soo socota noqon doona hoygiisa rasmiga ah. Haddii aad dooneyso inaad ka qeyb gasho xafladda caleema saarka, waxaad marka hore u baahan tahay inaad la hadasho wakiillada ku sugan halka aad joogto. Xildhibaannada Aqalka Sare iyo xubnaha Kongareeska ayaa haya fureyaasha. Mid walboo ka mid ah wuxuu helayaa tikidho loogu talo galay inay qeybiyaan. Balse sanadkan, iyadoo kiisaska Covid-19 ee dalka Mareykanka ay sare u sii kacayaan, arrimuhu way ka duwan yihiin sidii hore. Keliya ilaa 1,000 tikidh ayaa la qeybin doonaa, halka markii horena ilaa 200,000 oo tikidho ah loo diyaarin jiray xafladda rasmiga ah. Sanadkan xildhibaan walba waxaa wehlin doona oo loo oggol yahay inuu soo kaxeysto hal qof. Xubno ka tirsan Kongareeska ayaa haatanba soo gudbiyay foomamka ka qeyb galka, oo ay ku xusan tahay digniin ah inaysan jirin wax la damaanad qaadayo. Kooxda Biden ""ayaa si adag ugu dhiirri geliyay"" dadka inaysan u soo safrin Washington si ay uga qeyb galaan munaasabaddaas, iyadoo ay jirto cabsi ah inuu fayrasku faafo. Marka ay xaaladdu caadi tahay, DC waxaa imaan jiray boqollaal kun oo ah dad u soo safray caleema saarka. Caleema saarka mar walba ma dhici jirin January - Dastuurku wuxuu markii hore u asteeyay 4-ta bisha March inay noqoto maalinta ay hoggaamiyeyaasha cusub la wareegayaa talada dalka. In maalinta caleema saarka ay noqoto afar bilood kaddib laga bilaabo marka ay doorashada guud ee November dhacdo ayaa waxaa lagu saleeyaa waqtiga ay qaadaneyso inta la dhammeystirayo codbixinta. Balse tan ayaa sidoo kale la micno ahayd in xilliga kala guurka - waqtiga madaxweynaha xilka ka sii degaya uu weli talada hayo - ay aad u dheereyd. Muddo kaddib iyadoo xilliga casriga ah uu fududeeyay tirinta codadka, waqtigan dheer waa la beddelay. Wax ka beddelkii 20-aad ee dastuurka, oo la dhaqan geliyay sanadkii 1933, ayaa lagu soo jeediyay in madaxweynaha cusub la caleema saaro 20-ka January. Waxay haatanba qabanqaabadu ka socotaa dhismaha US Capitol oo ku yaalla Washington DC, kaasoo u dhow National Mall. Iyadoo ay dadku isugu tagaan taallooyinka dalka, waxay keliya caado noqotay laga soo bilaabo caleema saarkii Madaxweyne Ronald Reagan ee sanadkii 1981. Inta taas ka horreysay, madaxweyneyaasha ayaa dhaaran jiray iyagoo ku sugan dhanka kale ee Capitol, gudaha golaha Kongareeska, ee Aqalka Cad, ama dhinaca kale ee dalka (George Washington ayaa dhaartiisa waxay ka dhacday Magaalada New York). Marka ay dhacdo xafladda dhaarinta, waxaa sida caadada ah dhoollatus lagu sameeyaa waddada Pennsylvania ilaa Aqalka Cad. Sanadkan dadka munaasabadda ka qeyb galaya iyo howl-wadeennaduba aad bay ""u xaddidnaan doonaan"", sida ay sheegeen kooxda Biden, munaasabadaha uu ka mid yahay dhoollatuskana ""dib ayaa loo dhigi doonaa"" sababo la xiriira fayraska corona ee safmarka ah. Ilaa hadda ma cadda waxa uu yahay qorshaha looga badbaadi karo Covid-19 ee munaasabaddaas loo sameeyay. Mr Biden wali ma uusan shaacinin dadka uu ku xoojin doono xafladdiisa caleema saarka. Waxaa la filan karaa magacyo waaweyn. Sannadihii dambe madaxweyneyaasha la doorto waxay munaasabadda caleema saarka keensan jireen qaar ka mid ah fannaaniinta ugu caansan. Xafladdii ugu horreysay ee caleema saarka George W Bush waxaa kasoo muuqday kooxo muusiga tuma oo ka tirsan milatariga, laakiin markii dambe madaxweynaha ka soo jeeday xisbiga Jamhuuriga ah waxaa kusoo biiray Ricky Martin iyo Beyoncé Knowles oo markaas ahayd 19 jir. Markii caleema saarka labaad loo sameynayay Mr Bush sanadkii 2005-tiina waxaa xafladda ka heesay fannaaniin ay ku jireen Hilary Duff iyo Gloria Estefan. Sanadkii 2009-kii fannaanadda Aretha Franklin ayaa qurxisay munaasabaddii caleema saarka Barack Obama. Beyoncé ayaa sidoo kale ku jirtay dadkii bandhigga ka sameeyay halkaas. Markii labaad ee Obama la dhaarinayay 2013-kii, wuxuu u yeertay fannaaniinta kala ah Kelly Clarkson iyo Jennifer Hudson. Sidoo kale waxaa mar kale kusoo noqotay Beyoncé, oo qaadday heesta qaranka. Caleema saarkii ugu dambeeyay ee loo sameeyay Donald Trump waxaa lasoo tabiyay in dhibaato badan lagala kulmay keenista fannaaniinta. Elton John ayaa diiday codsigii Mr Trump ee ahaa inuu ka heeso munaasabaddaas. Waxaa kale oo lasoo tabiyay in ay sidaasoo kale sameeyeen fannaaniinta kala ah Celine Dion, Kiss iyo Garth Brook. Markii dambe xafladda madaxweynaha waxaa tagay Lee Greenwood iyo band 3 Doors Down. Waxaa caado ahayd in madaxweynaha xilka ka dagaya uu daawado dhaarinta madaxweynaha cusub ee baddalaya. Arrintaas hadda waxay noqon kartaa mid waji qallafsan yeelata. Hillary Clinton, oo horay u ahayd marwada koowaad ee Mareykanka, ayaa seygeeda oo ah madaxweynihii hore, Bill Clinton ku wehlineysay caleema saarkii Donald Trump, labo bilood uun kaddib markii looga adkaaday doorashada madaxweynaha ee ay kula loollameysay Mr Trump. Waxaa jiray marar marmarsiiyo loo helay in madaxweynaha la baddalayo ama musharraxa laga adkaaday uusan imaanin caleema saarka, laakiin sidaas ma dhicin qarnigii lasoo dhaafay gudihiisa. Madaxweyne John Adams, wiilkiisa oo isagana ahaa madaxweyne John Quincy Adams iyo madaxweyne Andrew Johnson ayaa dhammaantood ka baaqday caleema saarka madaxweynaha baddalayay. Sanadkan waxaa soo baxayay warar sheegaya in Mr Trump uu isku dari doono liiskaas, oo uusan aadi doonin xafladda dhaarinta saarka Joe Biden. Madaxweyne Trump ilaa hadda ma uusan qiranin in looga adkaaday doorashada, inkastoo Biden uu uga guuleystay tartanka. Ilaa haddana Trump ma uusan xaqiijinin in uu caleema saarka ka qeyb gali doono. Dhanka kale, taageerayaashiisa qaarkood ayaa sheegay in ay xaaladda si kale ka dhigi doonaan oo ay iyaguna xaflad caleema saar ah u sameyn doonaan Trump. In ka badan 600,000 oo ruux ayaa Facebook ku sheegay in ay munaasabaddaas tagi doonaan si ay Trump ugu muujiyaan taageero. Caleema saarkaas waxaa la sheegayaa in la qorsheynayo isla maalinta uu Biden u dhaaranayo xafiiska. Mr Biden wuxuu sheegay in uu rajeynayo in ninka uu xilka kala wareegayo uu munaasabadda xaadiro, si uu tusaale ugu noqdo xil wareejin nabadeysan. Laakiin Mr Trump kuma jiro liiska tobanka ruux ee uu Biden ugu jeclaan lahaa in ay ka qeyb galaan xafladda, sida ay bishan sheegtay wasiirka warfaafinta ee xilka la wareegi doonta, Jen Psaki." https://www.bbc.com/somali/war-55445288 +technology Dayax gacmeed dalxiisayaal dayaxa u qaadi doono oo la tijaabiyey "Gantaalkan dayax gacmeedka sida oo ay sameeysay shirkadda hawada sare uu leeyahay aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos waxaa loo naqshadeeyey inuu 2024-ka uu dalxiisayaal u qaado dayaxa. Gantaalka New Shephered oo ay naqshadeysay Blue Origin si toos ah ayuu dhulka uga soo dagayaa marka uu hawada sare ka soo laabto. Dayax gacmeedka waxaa lagu rakkibay Koombiyuutar, iyo barnaamij dayax gacmeedka ka caawinayo degitaanka dhaqdhaqaaqyada kale uu ku sameynayo marka uu hawada sare gaaro. Nasa waxay dooneysaa sida uu dayax-gacmeedka u shaqeynayo marka hore in dhulka lagu tijaabiyo ka hor inta aan hawada sare loo dirin. Tijaabada dayax-gacmeedka Talaadada la ganay ayaa noqonaya gantaalkii toddobaad oo Blue Origin ay sameysay ee New Shephered, taasoo ujeedkiisu yahay dhawaan inuu dalxiisayaal uu dayaxa u qaado. Dayax-gacmeedkan wuxuu awood u yeelan doonaa inuu rakaab uu dhulka ka qaaday uu geeyo masaafo dhulka ka sarreyso 100 km ama 60 mile. Shirkadda dayax gacmeedkaasi hawada sare u dirtayna waxay sheegtay inuu yahay kii ugu weynaa ee ay diraan. Dayax-gacmeedka iyo gantaalka sida marka ay kala baxaan mashiinta dayax-gacmeedka wuxuu awood u leeyahay inuu keligii dhulka ku soo laabto. ""Tijaabada maanta waxay ahayd mid lagu faano. New Shepherd wuxuu suuragelinayaa macluumaad barnaamijka uu u baahan yahay inuu Mareykanka u keeno,"" ayuu yiri Bob Smith oo ah maareeyaha guud ee Blue Origin. Dayax-gacmeedkana waxaa hagaya koombiyuutar dhammeystiran oo ku shaqeynaya nidaamka algorithms amarradana waxaa fulinaya Koombiyuutarka ku rakkiban. Ujeeddada ugu weyn ee New Shepherd loo dirayna waxaa lagu sheegay in lagu ogaanayo laba mashiin uu miisaankooda culus yahay sida ay u wada shaqeynayaan. Qalabka gacanta ka geysanaya nidaamka xog uruurinta waxaa sameeyey hay'adda cilmi-baadhista ee Draper oo hoos tagta Cambridge, Massachusetts. Wuxuuna la shaqeeyaa kaameerooyin uruurinaya xogaha rasmiga ah ee ku hareereysan isla xilliga ay dhacayaan si waafaqsan khariidadda mashiinta dayax-gacmeedka ku rakkiban. Sababta oo ah wixi hadda ka horreeyey khariidadda noocaasi ah ee dayaxa ku saabsan 1960-yadi waxaa haysatay oo keli ah Nasa xilliga ay Apollo 11 ay caga dhigatay dayaxa oo ay saarnaayeen cirbixiyennada kala ahaa Neil Armstrong iyo Buzz Aldrin. Blue Origin oo qayb ka ah kooxaha isugu tagay dayax-gacmeedkan in hawada sare loo diro waxay heshiis la gashay hay'adda NASA, iyada oo ku guuleysatay tani iyo 1972-kii iney dayax-gacmeedyo dad siday oo hawada sare loo diray ay ka qayb qaadato. Gantaalka siday dayax-gacmeedka New Sheppard uu dhirirkiisu yahay 18 miitir waxaa hawada sare loo diray Talaadadi dayax gacmeedka oo gaaray masaafo dhulka ka sarreeyso 105 kiilo mitir." https://www.bbc.com/somali/war-54534542 +politics Dhageysiga Rabshadihii January 6: Cod laga duubay gabadha Trump oo la faafiyay xilli aabbeheed loo haysto isku day afgambi "Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa u adeegsaday rabshadihii Capitol ""isku day afgambi"", sida loo sheegay guddi ay aqalka Wakiillada u xil saareen baaritaanka falkii weerarka ahaa. Liz Cheney, oo ah guddoomiye ku xigeenka guddigan, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in Mr Trump uu ""daaray holicii weerarkaas"". Bennie Thompson, oo ka soo jeeda xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa isagana sheegay in weerarkaas uu halis geliyay dimuqraaddiyadda Mareykanka. Taageerayaasha Trump ayaa 6-dii bishii January ee sanadkii 2021-kii weerar ku qaaday xarunta Congress-ka, xilli ay xildhibaannadu u kulmayeen si ay u sharciyeeyaan guusha uu Biden ka gaaray doorashadii madaxtinnimada. Kaddib markii uu baaritaan socday ku dhawaad hal sano, guddi uu soo xushay Golaha Wakiillada ee ay aqlabiyadda ku leeyihiin xisbiga Dimuqraaddiga ayaa howshooda Khamiistii ku billaabay soo bandhigidda codad laga duubay wareysiyo lala yeeshay dad aad ugu dhawaa Mr Trump. Codadkaas oo telefishinka laga sii daayay ayaa helay daawasho aad u badan oo gud ahaan Mareykanka ah. Waxaa sidoo kale la baahiyay muuqaal uu markhaatifur ku samaynayo Xeer ilaaliyihii Guud ee hore ee Mareyanka, Bill Barr, oo sheegaya in uu marar badan u sheegay madaxweynihii hore in looga adkaaday doorashada, sheegashooyinkiisii ku saabsanaa in codbixinta lagu shubtayna ay ahaayeen kuwo khaldan. ""Kuma noolaan karno adduun uu Madaxweynaha maamulka haya ku haysanayo xilka isagoo la raacayo ra'yigiisa, oo ah in doorashada la musuqmaasuqaya, taasoo aan loo haynin wax caddeymo ah,"" ayuu yiri Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore. Guddiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday cod laga duubay markhaatifurka Ivanka Trump, oo ah gabadha uu dhalay madaxweynihii hore, oo sheegeysa in ay ""aqbashay"" hadalka Mr Barr ee ku saabsanaa in sheegaashooyinka aabbeheed ay ahaayeen kuwo been abuur ah. Guddoomiye ku xigeenka guddiga, Ms Cheney, ayaa kulanka ka sheegtay in xog laga helay qof kale oo sheegay in Mr Trump markii loo sheegay in dadka rabshadaha samaynayay ay ku dhawaaqayeen in Madaxweyne ku xigeenkiisa, Mike Pence, la daldalo maadaama uu diiday inuu hor istaago natiijada doorashada, uu isagana sheegay inuu ""sidaas u qalmo"". Ka hor inta uusan dhageysiga guddiga matalaya Aqalka Wakiillada furmin maalintii Khamiista, Mr Trump ayaa ku tilmaamay ""howl la siyaasadeeyay"". Ilaa lix jeer ayaa la filayaa in bishan gudaheeda ay markhaatifur dhageystaan guddigu. Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa marar badan fagaareyaasha ka sheegay hadallo uu ku sarbeebayo inuu xilka Madaxweynaha u tartami doono sanadka 2024-ka. Waxa uu mar walbana ku celceliyaa in doorashadii ugu dambaysay si weyn loogu shubtay. Xubnaha guddiga ayaa qorshaynaya in ay warbixin soo saaraan, waxaana suuragal ah in ay dhagaysi kale sameeyaan bisha September si ay hoosta uga xariiqaan xogaha ay heleen, si ay markaas usoo jeediyaan talooyin ku saabsan isbadallo lagu samayn karo hannaanka doorashada Mareykanka. Mr Thompson, oo ah guddoomiyaha guddiga, ahna xildhibaan laga soo doortay gobolka Mississippi, ayaa kulanka ka sheegay: ""6-dii January waxaa dhacay heerkii ugu sarreeyay ee isku day afgambi, isku day bareer ah oo aan meelna loogu soo gabban."" ""Qalalaasuhu ma uusan ahayn shil. Waxa uu ahaa mowqifkii ugu dambeeyay ee Trump."" Caroline Edwards, oo ah askariyaddii ugu horreysay ee lagu dhaawacay weerarka, ayaa marka ay markhaati furka samaynaysay shegetay in loogu yeeray ""qof ku kacay khiyaano qaran"" iyo ""in ay tahay Eey"", hadalladaasna ay ku dhahayeen dadkii rabshadaha samaynayay ka hor inta uusan ku dhicin dhaawac ay ku miyir beeshay. Goor dambe ayay ka sheekeysay sida ay dadka ula tacaalaysay iyadoo uu la shaqeynayay askari kale oo lagu magacaabi jiray Brian Sicknick, kaasoo dhintay hal maalin kaddib weerarka kaddib markii uu labo jeer dhiig kar kusoo booday. ""Waxaan ku simbiriirixanayay dhiigga dadka,"" ayay Edwards ku tiri xildhibaannada xubnaha ka ah guddiga. ""Waxaa jiray buuq. Waxaa jiray qalalaase."" ""Waligey xitaa riyooyinkeyga ugu xumaa kuma arkin anigoo askari boolis ah, oo sharciga dhaqan geliya, inaan isku dhex arko dagaal,"" ayay sii raacisay hadalkeeda. Afar qof ayaa ku dhimatay rabshadaha maalintaas ka dhacay dhismaha Aqalka Congresska Mareykanka ee loo yaqaanno Capitol. Haweeney aan hubaysnayn ayay boolisku toogasho ku dileen, dadka kalena waxay u dhinteen sababo dabiici ah. In ka badan 100 askari ayaa ku dhaawacmay qalalaasahaas. Afar askari oo kale ayaa markii dambe is dilay." https://www.bbc.com/somali/war-61761623 +technology Link FM: Idaacad baahisay Nashiiddo oo wajahaysa cunnaqabatayn "Idaacad ay leeyihiin Muslimiinta Pakistan ee deggan magaalada Sheffield ee Britain ayaa wajahaysa tallaabooyin cunnaqabateyn ah ka dib markii uu baahiyay Nashiiddo ay ku jireen ""Erayo ka hadlaya Jihaadka."" Idaacaddaan oo fadhigeedu yahay magaalada Sheffield ee dalka UK ayaa la ogaaday in ay jabisay xeerka wax baahinta, iyadoo laba jeer baahisay Nashiido Islaami ah sanadkii 2020-kii. Nashiidada la baahiyay ayaa la sheegay in ay ku jireen erayo kicin ah isla markaana dhiiro galinaya dambiyada waa sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dhanka isgaarsiinta ee dalka UK ee magacooda loo soo gaabiyo Ofcom kuwaas oo inta badan la socda dhaqdhaqaaqyada Idaacadaha iyo guudahaan warbaahinta. Hay'adda Muslimiinta Pakistan ee shatiga siisay Idaacaddan ayaa raali galin ka bixisay baahinta Nashiidada, waxayna ku tilmaantay arrin qalad ah oo dhacday oo aan ula kac ama ku tala gal ahayn. Warbixin Ofcom, ayaa lagu sheegay in Idaacadda baahisay Nashiiddo Erayada ku jiray ay ka mid ahaayen ""Naxnu Junuudullaah"" oo turjumaadeedu noqonayso waxaanu nahay ""Askarta Allaah."" Xaruunta Muslimiinta Pakistan ayaa sheegtay in qofkii daadihiyaha ahaa Idaacadda ee xiligii la baahiyay Nashiidada aaney ku hadlin luuqadda Carabiga, balse wali lama hubin arrintaas. Dhinacyada ka soo horjeeda baahinta Nashiidada ayaa sheegaya in Ereyada ku jira Nashiidadaas ay dhiiro galinayaan ""argagixisada iyo dambiyada ay gaystaan."" Gabadha Idaacadda xiriirinaysay ayaa warqad u dirtay Ofcom, oo ay raali gelin kaga bixisay dhacdadaas waxayna sheegtay inay dareentay in ay sameysay ""wax aad looga xishoodo"" oo aysanna ""ku tala galin inay kiciso nacayb"" waxayna meesha ka saartay inay ujeeddo ka lahayd arrintaas. Hay'adda dowladda ee eegta arrimahan ayaa sheegtay in Raadiyaha uu jebiyey xeerka baahinta Ofcom waxayna tiri ""waxaa inaga go'an in aan tixgeliya jebintaas si loogu soo rogo xayiraad sharci ah"". Link FM waa idaacaddii labaad ee fadhigeedu yahay Sheffield oo lagu helo jebinta xeerka Ofcom, sannadihii la soo dhaafay. Sannadkii 2017-kii, Idaacadda Imam FM ayaa hawada laga saaray ka dib markii ay baahisay 25 saacadood oo muxaadarooyin ah kuwaas oo uu jeediyay Anwar Al-Awlaki, oo ahaa wadaad Muslim oo ku dhashay Mareykanka, laguna dilay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen dalka Yemen, sannadkii 2011-kii." https://www.bbc.com/somali/war-58163254 +health "fayraska Korona: Shiinaha oo Mareykanka ku eedeeyay ""faafint warar shirqool ah""" "Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in ay faafinayaan ""shirqoolo iyo warar been abuur ah"" ku saabsan feyriska Corona. Eedeyntan waxaay sii hurinaysaa xiisadda u dhaxeeysa labada dal ee ka dhalatay maareynka cudurka safmarka ah ee Covid-19. Mareykanka waxaa ku dhacay ""Feyris siyaasadeed"" oo ku qasbaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta in ay si joogta ah u weeraraan Shiinaha, waxaa sidaasi Axaddii wariyayaasha u sheegay Wang Yi. Waxaa uu Mareykanka ugu baaqay in uu ""joojiyo waqti luminta iyo in dad badan ay u naf waayaan Corona"" marka la eego jawaabta ay ka bixinayaan cudurka. Xiisadda u dhaxeysa xukuumadaha Washington iyo Beijing ayaa cirka isku sii shareeraysay xilli uu feyriska sii faafayo. Madaxwaynaha Mareykanka, Donald Trump, oo wajahaya dib u soo doorashadiisa sannadkan, ayaa lagu dhaliilay qaabkii uu ula tacaalay cudurkan safmarka ah ee Corona. Waxaa uu marar badan Trump ku eedeeyay Shiinaha in ay isku dayeen in ay cudurka qariyaan. Balse Axaddii, Mr Wang waxaa uu ku celiyay hadalkii Shiinaha ee ahaa in si masuuliyad ay ku dheehan tahay ay u ilaaliyeen caafimaadka dadwaynaha caalamka tan iyo intii uu cudurka dilaacay, bishii December. Mar uu ka hadlayay shirka jaraa'id ee sanadlaha ah wuxuu Mr Wang ka sheegay: ""Qaar ka mid ah xoogagga siyaasadda Mareykanka ayaa xiriirka labada dal afduub u haysta "". Ma uusan qeexin xoogagga uu ka hadlayo kuwa ay yihiin, balse waxaa uu sheegay in ay isku deyayaan ""in labada dal u horseedaan dagaal qabow oo cusub"". ""Marka laga soo tago burburka uu geysanayo Corona, waxaa sidoo kale jira feyris siyaasadeed oo ku faafaya Mareykanka,"" ayuu intaa ku daray. ""Feyris siyaasadeedkan wuxuu yahay in la isticmaalo fursad kasta oo lagu weerari karo Shiinaha,"" ayuu yiri Mr Wang. ""Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa gabi ahaanba iska indha tiraya xaqiiqada waxayna buunbuuninayaan been abuur lala bartilmaameedsanayo Shiinaha oo loo maleegayo shirqoolo badan"", ayuu intaa ku daray. Balse wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ayaa ku baaqay in xukuumadaha Washington iyo Beijing ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xallin lahaa fayraska Corona. ""Labada dhinacba masuuliyad ayaa ka saaran nabadda iyo hormarka caalamka,"" ayuu yiri. ""Shiinaha iyo Mareykanka waxay dan ugu jirtaa wada shaqeyn, iska hor-imaadkana waa khasaaro"". Madaxwayne Trump iyo Beijing ayaa toddobaadyadii u dambeeyay hawada isu marinayay eedeeymo ay ka mid yihiin arrinta hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo dacwad ay suuragal tahay in lagu soo oogo Shiinaha taasi oo ku saabsan inay qariyeen saameynta cudurka. Labadan quwadood waxaa ka dhex taagnaa murano muudo dher soo jiitamayay oo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo xuquuqda aadanaha, balse xiisadda ayaa sii xoogaysatay ka dib faafidii saf-marka Corona. Axaddii, Mr Wang wuxuu tilmaamay in Mareykanka dacwad ka gudbiyo Shiinaha in ay tahay ""qof har cad riyoonaya"" islamarkana ay jihadu ka luntay. Waxaa uu sidoo kale difaacay WHO iyo agaasimaheeda Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ay Mareykanka eedeeyn la kala dul dhaceen. Toddobaadkii aanu soo dhaafnay madaxwayne wuxuu Trump WHO ku tilmaamay in ay yihiin ""Eey ay Shiinaha iska wad-wataan "" oo wax ka qaban waayay xakameynta Corona. Dr Tedros waxaa uu aqbalay in dib u eegis lagu sameeyo qaabkii ay hay'adda ula tacaashay feyriska Corona. Balse Mr Wang ayaa wariyayaasha u sheegay in Shiinaha ay si buuxda u taageersan yihiin hay'adda Qaramada Midoobeey u qaabilsan caafimaadka"". Feyriska Corona ayaa dabayaaqadii sannadkii aanu soo dhaafnay ka soo bilaabmay magaalada Wuhan ee Shiinaha, waxaana la sheegay in asal ahaan uu ka yimid suuq lagu iibiyo cunnooyiinka. Tan iyo xilligaasi, siyaasiyiin sarsare oo Mareykan ah ayaa soo jeedinayay in asalka meesha uu ka yimid ay tahay xarun cilmi-baaris oo Wuhan ku taalla taasi oo lagu darsayay feyriska Corona ee ku dhaca Fiidmeerta. Shiinaha ayaa dhankooda beeniyay eedeeyntan. Xoghayaha arrimahha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa horraantii bishan sheegay in ay jiraan ""caddeymo miisaan leh oo muujinaya"" in feyriska uu asal ahaan ka yimid xarun Sheeybaar oo Wuhan ku taalla. Balse markii dambe ayuu ka gaabsaday, isaga oo yiri: ""Waan ognahay in uu Wuhan ka soo bilaabmay, balse ma ogin asal ahaan meesha iyo ciidda keentay"". Maalintii Sabtida, agaasimaha xarunta daraasadaha Feyrisyada ee Wuhan ayaa warbaahinta dowladda Shiinaha u sheegay in eedeymaha ah in feyriska ka yimid xaruntaasi ay tahay ""been abuur "". Wang Yanyi ayaa yiri: ""xaruntani waa mid karantiilan islamarkana ogaatay feyris ka yimid Fiidmeer, balse waxaa uu carabka ku adkeeyay in tani ay gabi ahaanba ay ka duwanayd Covid-19.""" https://www.bbc.com/somali/war-52794620 +religion Maxaa ku dhacay ninkii caawiyay ninkii Israa’iiliga ahaa ee isku dhex qariyay muslimiintii booqanaysay Maka? Booliska ka howlgala gobolka ay ku taallo magaalada barakaysan ee Maka ee dalka Sacuudiga ayaa waaxda dacwad-oogista u gudbiyay muwaadin lagu eedeeyay inuu ku kacay fal hadal-hayn ka dhex dhaliyay Muslimiinta, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga (SPA). Ninkan oo xabsiga la dhigay ayaa loo haystaa inuu si sharci-darro ah u caawiyay weriye aan Muslim ahayn oo uu u fududeeyay inuu si qarsoodi ah ku galo magaalada barakaysan ee Maka, oo ay booqanayeen Muslimiin ka kala timid caalamka. Dambiga lagu soo oogay ayaa ah inuu ninka Israa'iiliga ah oo haysta dhalashada Mareykanka mariyay waddo si gaar ah loogu talagalay in ay isticmaalaan dadka Muslimiinta ah oo keliya. Afhayeenka booliska Maka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muwaadinka caawiyay ninka Israa'iiliga ah uu ku xadgudbay sharciga dadka aan Muslimiinta ahayn ka mamnuucaya in ay galaan magaalada Maka ee ay ku taallo Kacbada. Sidaas awgeed, booliska ayaa markii dambe gacanta ku dhigay ninka u dhashay Sacuudiga ee caawiyay ninka aan Muslimka ahayn ee gudaha u galay magaalada Barakaysan, waxaana laga qaaday tallaabo sharciga waafaqsan. Ninka Israa'iiliga ah oo lagu magacaabo Gil Tamary ayaa sawir iska soo qaaday isagoo ku sugan Buurta Carrafo ee ay ku cibaadaystaan Xujayda Muslimiinta ah ee ka kala yimaada meelo kala duwan oo caalamka ah. Tamary ayaa fuulay buurta Carrafo oo ah goob xurmo leh oo ay Muslimiintu isugu yimaadaan si ay ugu gutaan cibaadada ugu wayn ee acmaasha xajka. Waxaa baraha bulshada qabsaday muran xoog leh oo ku saabsan arrintan oo uu ku lifaaqay booqasho uu si caadi ah ugu joogay waddanka boqortooyada Sacuudiga. Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ma aysan magacaabin ninka aan Muslimka ahayn ee ku dhex dhuuntay dadka galayay Maka, balse waxay ku tilmaantay inuu yahay muwaadin Mareykan ah. Taliska booliska ayaa sheegay in ay waaxda dacwad-oogista u gudbiyeen kiiska ninka Israa'iiliga ah, si looga qaado tallaabada ku habboon ee waafaqsan sharciga u yaalla waddanka, sida ay sheegtay Wakaaladda. Afhayeenka booliska ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan dadka imaanaya Sacuudiga ay waajib ku tahay inay qaddariyaan shuruucda loo dejiyay, gaar ahaan kuwa khuseeya labada masjid ee barakaysan. Ficil kasta oo lagu jebinayo xeerarkaas ayuu ku qeexay dambi aan loo dulqaadan doonin, ganaaxyo kala duwanna ay la socdaan. Hase ahaatee, warbaahinta qaar ayaa tebisay in sheekadan ay soo baxday kaddib markii uu Tamary dib ugu laabtay Israa'iil. Ninkan ayaa ka mid ahaa saddex weriye oo Israa'iiliyiin ah oo loo oggolaaday inay Sucuudiga galaan si ay u soo tebiyaan booqashadii Madaxweyne Biden. Waxa uu dhawaan raalligelin ka bixiyay gelistiisa dhulka barakeysan, isagoo sheegay in ujeeddadiisu ay ahayd inuu muujiyo muhiimadda Maka iyo quruxda Islaamka. https://www.bbc.com/somali/articles/cere9d3xk2no +technology Goormaa ayay ahayd markii ugu horeysay ee qof fariin qoraaleed loogu diro telefoonka gacanta? "­­­­Mid ka mid ah hababka ugu dhaqsaha badan ee isgaarsiineed waqtigeenna, waa fariimaha gaaban ee qoraalka ah ee ay dadka isugu diraan telefoonadooda gacanta. Balse markii ugu horeysay oo fariin gaaban oo qoraal ah lagu diro taleefonka gacanta ayaa ahayd 30 sano ka hor waxaana uu dalkii ugu horeeyay ee laga diray ahaa dalka Ingiriiska. 30 sano ka hor, shirkadda taleefanka gacanta ee Vodafone ayaa noqtay shirkaddii ugu horeysay ee farriinta gaaban u soo dirta injineer ku sugnaa Berkshire. Farriintii ugu horreysay ee la diro ayaa ahayd mid hambalyo ah oo ku saabsanayd xilliga ay dadka masiixiyiinta u dabaaldagaan ciidooda. Qof Shaqaale ah oo lagu magacaabi jiray Nelly Papworth ayaa farriin u diray sanaddii 1992-dii mid ka mid ah madaxda shirkadda, Richard Jarvis, isagoo u dabbaaldegaya Christmas-ka, balse ma uusan helin jawaab. Taleefanka Jarvis uu sitay xilligaas ayaa ahaa mid ku cusub suuqa, waxaana lagu magacabi jiray Orbitel 901, culeyskiisu waxaa uu ahaa 2.1 kiilo garaam. Waxaa uu taleefoonkaasi miisaankiisu dhanna ilaa 12 iPhone ama 14 taleefoon gacanta ee ana maanta aan isticmaalno. Xilligan fariimaha qoraalka ah, waxaa sanad kasta is-weydaarsada balaayiin qof .\nToban sano ka hor, ayaa qaamuuska lagu diray eryegaee ""farriin qoraaleed ama SMS"" . Iyadoo fariimaha qoraalka ah ee taleefoonada la isugu diro ay wali tahay adeeg jira, ayaa waxa hadana imika la wareegay isgaarsiinta dhanka internetk-ka ee qoraalada la isgu gudbiyo sida WhatsApp. Sida laga soo xigtay xog uruurin la sameeyay, 40 bilyan oo farriimaha gaaban ah ayaa taleefoonada la isugu diray dalka UK sanadkii 2021, taasoo hoos uga dhacday 150 bilyan oo fariin oo la isu diray sannadkii 2012.\n\nMarka la barbardhigo, maanta, 100 bilyan oo farriimood ayaa adduunka oo dhan la isugu diraa WhatsApp-ka maalin kasta. Si kastaba ha ahaatee, farriimaha gaaban ee teleefoonada ayaa weli waxa isticmaala hay'ado kala duwan . Waxaa ka mid ah, fariimaha ay hay'adaha kala duwan diraan sida in qofka la xusuusiyo ballamaha caafimaadka iyo shirkdaha qaar oo adeegyadooda macaamiisha ugu dira telefoonada. Markii ugu horreysay ee adeegga fariimaha gaaban ee ee SMS loo yaqaano uu bilaabmay, waxaa kaliya ah oo la diri karay 160 xaraf, markiiba. Fikirkan fariimaha ahi waxa uu ka soo bilaabmay Yurub sannadihii 1980-aadkii, 10 sano ka hor inta aan farriintii ugu horreysay loo dirin talefanka gacanta. Taleefanadii hore waxay lahaayeen furayaal ama kiiboorro iyo lambarro ku dhajisan. Marka, tusaale ahaan, si loo qoro xarafka Ingiriisiga 'C', waxay ahayd lagama maarmaan in la riixo lambarka 1 saddex jeer. Nigel Linde, oo ah khabiir dhanka isgaarsiinta ah oo ka tirsan jaamacadda Salford, ayaa sheegay in shirkadaha soo saara taleefannada xilligaasi aysan si wanaagsan ugu darin xarfaha Ingiriisiga. Waqtigaas, Ben Wood oo ka faalooda arrimaha tignoolajiyada wuxuu xusuustay in dadka la bari jiray sida loo helo loona diro fariimaha gaaban ee qoraalka ah. Waxaa muddo kooban gudaheed ay dadka aad u barteen sida loo diro fariin qoraaleedka, waxayna gaareen heer ay si fudud farriimaha u diraan iyagoon eegin xarfaha ku yaalla telefoonada gacanta. Waayahaan danbe dadku waxa ay waqti badan ku lumiyaan in ay eegaan fariimaha lagu soo diro telefoonadooda halkii ay ku hadli lahaayeen telefoonadooda. Tani waa calaamad muujinaysa in fariimaha qoraalka ah si weyn loola qabsaday, ayuu yidhi Ben Wood." https://www.bbc.com/somali/articles/c4nr7nrpgn8o +politics Doorashadii Mareykanka 2020: Mike Pence ma diidi karaa guushii Joe Biden? "Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenkiisa, Mike Pence, uu awood u leeyahay inuu diido xaqiijinta rasmiga ah ee Joe Biden inuu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka. Balse arrintu saas maaha. Madaxweyne ku xigeenka xaq uma laha inuu ku dhawaaqo in guushii Mr Biden ay tahay wax aan jriin. Gudaha Mareykanka, dadka wax doorta - marka la eego natiijada gobol kasta - ayaa si rasmi ah u go'aansada cidda noqoneysa madaxweynaha xiga. Kongareeska ayaa kulan ka yeelanaya xisaabinta codadka doorashada waxayna xaqiijin doonaan magacaabiddii madaxweynaha la doortay ee Biden. Hannaankan wuxuu caadi ahaan u dhacaa iyadoo aan lagu kala qeybsamin, balse madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayaa sii wada ka hor imaanshaha natiijada doorashada, iyagoo sameynaya sheegashooyin been abuur ah. Marka la xisaabiyo natiijada doorashada, waxay u taallaa Mr Pence inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo in Mr Biden uu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka. Mr Trump ayaa ka doonaya madaxweyne ku xigeenka inuu garab siiyo uuna diido natiijada doorashada, kuna dhawaaqo in lagu shubtay. Doorka madaxweyne ku xigeenka ayaa inta badan ku qotoma dhanka hannaanka, isaga oo ah madaxweynaha Aqalka Sare. Isbeddelkii 12-aad ee Dastuurka Mareykanka lagu sameeyay ayaa waxaa ku xusanThe 12th Amendment of the US Constitution says: ""Madaxweynaha Senate-ka [waxaa hadda ah, Mike Pence] waa in, iyadoo ay joogaan dhammaan xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Wakiillada, uu furaa dhammaan waraaqa codadkana waa in kaddib la tiriyaa."" Mr Pence oo warsaxaafadeed soos aaray kulanka kahor ayaa sheegay inuusan awood u lahayd beddelidda natiijada, doorkiisana uu yahay inuu kulanka uu u maamulo sidii loogu talo galay. Sidaas darteed waxaa looga baahnaan doonaa inuu ku dhawaaqo natiijada kama dambeysta ah ee doorashada marka ay ansixiyaan Kongareeska. Dastuurka ayaa Kongareeska awood u siinaya inay dib u eegis ku sameeyaan natiijada, ee uma siinayo madaxweyne ku xigeenka. Xubnaha Konagreeska ayaa ka keeni kara dood. Haddii xubin ka tirsan Kongareeska ay doodda ku taageeraan labada aqal, waxaa kaddib furan in tirinta dib loo dhigo oo laga doodo. Inkastoo uu xoogaa taageero ah ka heysto xubnaha Jamhuuriga ee Kongareeska, haddana lama filayo in madaxweynaha uu taageero ku filan u heysto laalidda natiijada. Waxay tan u baahnaan doontaa aqlabiyadda labada aqal ee Kongareeska si loo laalo natiijada lagu muransan yahay. Mr Pence ayaa sheegay inuu ""soo dhoweynayo"" qorshaha xildhibaannada Jamhuuriga ay kaga soo horjeesanayaan natiijada. Bulse marka laga doodo ee muranka la xalliyo, waxay howsha u taallaa Mr Pence inuu ku dhawaaqo xaqiijintii ugu dambeysay ee ah in Mr Biden uu ku guuleystay doorashadii 2020. Tani waa isla sidii uu Mr Biden sameeyay si uu u xaqiijiyo in Mr Trump uu ku guuleystay doorashadii 2016. Tan waa ikhtiyaar u furan madaxweyne ku xigeen cago jiidaya, amaba inuu qolka ka baxo kahor ku dhawaaqitaanka natiijada kama dambeysta ah. Hore ayay arrintan u dhacday. Madaxweyne ku xigeenkii hore Hubert Humphrey ayaa diiday inuu hoggaamiyo xisaabinta codadka doorashadii sanadkii 1969, kaddib markii uu ka guuleystay Richard Nixon. Haddii ay tan dhacdo, waxaa howsha sii wadaya xubinta ugu sarreysa Aqalka Sare ee Mareykanka, waana Chuck Grassley oo Jamhuuriga ka tirsan." https://www.bbc.com/somali/war-55570473 +politics Shan sheey oo ugub ah oo Trump ku saabsan oo banaanka yimid "Waxaa shaqadii iska casilay safiirkii Britain ee Maraykanka u fadhiyay kadib markii uu cadaadis badan kala kulmayt madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo qoonsaday waraaqo warbaahinta loo dusiyay oo uu safiirka ku sheegay in Aqalka Cad uu yahay mid uu qalalaaso badan ka jiro. Haddaba maxay banaanka soo dhigtay xil ka dagista Kim Darroch, muranka Trump aawadiis? Sida uu horey u sheegay ninka lagu magacaabo Forrest Gump, awoodda waa sida qofka haysto u adeegsado, sidaas darteed Madaxweyne Donald Trumo waxa uu dabeecad ka dhigtay in uu ka tallaabo wax allaale wixii dhaqanka dublamaasiyadda lagu yaqiinay in uu ahaa, wuxuuna degsaday shuruuc isaga u gaar ah. Inkasta oo siyaasiyiinta mucaaradka ah ay markasta kasoo horjeedsadaan marka uu talaabo qaldan qaado iyo waliba marmar xubno ka tirsan xisbigiisa ay ka hadlaan, haddane madaxweynaha waxa uu u shaqeeya iyada oo aysan jirin cid hubisa isaga. Hadda dhaqamadiisa caaddo-buriska ah waxa ay ka talaabeen badda Atlantikada, wuxuuna horseeday in safiirkii Britain ee Maraykanka Kim Darroch uu ku qasbay in uu xilka isaga dego, iyada oo xitaa dowladda Britain ay difaaci kari weysay. ""Xushmaddii loo hayay Maraykanka waa ay soo noqotay"" ayaa ah hadalka ugu badan ee uu yiraahdo Donald Trump. Markii uu ku jiray tartankii doorashada 2016-kii, waxa uu sheegay in intii uu xilka hayay madaxweyne Barack Obama in uu hoos u dhacay maqaamkii Maraykanka ee adduunka, balse markii uu isaga xilka yimid taas ay wax badan iska badaleen. Waxa uu aad u jecelyahay in uu ku faano sida madaxda kale ee adduunka ay u ammaanaan, u bogaadiyaan, islamarkaasna la dhacsanyihiin awoodda iyo barwaaqada Maraykanka haysto. Dhibka hadda jira waxa uu yahay in mid ka mid safiiradda ugu sumcadda badan, uguna saamaynta badan ee Maraykanka fadhiyay , Kim Darroch uu Trump ku tilmaamay nin aan shaqada aan u qalmin, islamarkaasna Aqalka Cad ku tilmaamay meel qas iyo jiho wareer ka jiro. Hadalka danjiraha dalka saaxiibka ugu dhow ay yihiin Maraykanka ayaa ka dhigan in uu dhahayo 'waakaas boqorkii, oo ay marada ka dhacday'. Uma baahna in aad looga fikiro sida musharixiinta xisbiga Dimoqoraadiga ee 2010-ka ay erayadan safiirka ugu adeegsan doonaan Trump. Sidaas darteed ayay u ahayd in safiirka sida ugu dhaqsiyaha badan meesha looga saaro, sumcadiisana loo dilo. Warbaahinta dalka Ingiriiska sheekada ugu weyn ee ay hadal hayeen waxa ay ahayd tan muranka halka dhinac ahaa ee ka dhaxeeyay Trump iyo safiirka. Muranka ayaa sidoo kale ay ka hadlayeen madaxda dowladda iyo waliba siyaasiyiinta mucaaradka UK. Hase yeeshee Maraykanka gudihiisa hadal haynta aad ayay u yareed, marka laga reebo in mararka qaar lasoo hadal qaadayay. Madaxweynaha ayaa qorey 21 fariimood oo Twitter-ka ah muddo 2 maalmood gudahood ah tan iyo intii arrinta safiirka ay soo shaac baxday. Markiiba waxa ay noqotay arrin laga gudbay, waxaana diirada la saaray arrimo kale. Taas waxay keentay in Senator Lindsey Graham oo madaxweynaha aad ugu kacsan uu warbaahinta ku eedeeyay in ay liifada ka gaabsatay arrinta safiirka. Dowladda Britain ayaa ugu dambeystii si rasmi ah u dhadhamisay sida Trump uu dadka uga eryo shaqooyinka iyo sida uu wax u maamulo. Trump dadka toos uma eryo, balse waxa uu tusaa wax ay ku tagaan, tusaale haddii uu Trump doonayo in uu Kim tago, waxa uu awood u lahaa in uu saxiixo xeerka 'Persona Non Grata' oo ku xusan qodobka 9-aad ee Vienna ee dublamaasiyadda, taas oo UK ku qasbi lahayd in ay safiirka badesho. Ma uusan samayn taas. Taas badelkeed waxa uu safiirka ku weeraray qoraalo uu Twitter-ka soo dhigay, waxa uu sidoo kale kasoo xirtay albaabka Aqalka Cad, isaga oo sidoo kale shaqaalaha ka hor istaagay in ay la macaamilaan ninkan. Horey ayuu sidan oo kale dad maamulkiisa uga tirsan u galay, kuwaas oo markii dambe ku qasbanaaday in ay shaqada iska casilaan. Ma ahan arrin qarsoon xiriirka aan diiranayn ee ka dhaxeeya Trump iyo wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu wasaaradda u arko meel ay ka buuxaan dad isaga lid ku ah, maadaamaa wasaaradda ay wasiir ka ahayd Hillarry Clinton intii u dhaxaysay 2009-kii iyo 2013-kii, waxaana laga yaabaa in uusan taas ku qaldanayn. Waxaase run ah oo kale in sida uu madaxweynaha u wajoho siyaasadda arrimaha dibedda ay aad uga duwantahay sida dublamaasiyiinta Maraykanka u barteen in loo wado hawlaha. Arrintan waxa ay ku caddeyd shir jaraa'id oo ay qabatay afhayeenka Aqalka Cad Morgan Ortagus ayaa ku adkaysatay in xiriirka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Britain uu yahay mid ka weyn shaqsi iyo waliba dowlad markaas xilka haysa. Waxa ay sheegtay in aysan u hadli karin madaxweynaha , islamarkaasna aysan sharixi karin qoraaladiisa Twitter-ka. La macaamilka madaxweyne wuxuu doono iska sameeyo, marka uu rabana hadla isaga oo aan wargalin ama aanan la tashan dadka waa arrin aad u adag, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda. Waxa ay markasta qiyaasaan in madaxweynaha uu si lama filaan u badelo siyaasadda arrimaha dibeda, iyaga oo aanan qabin wax digniin ah. Tani malaha waa sidii uu tilmaamay safiirkii UK Sir Kim Darroch emailadii uu u direy dowladiisa ee loo dusiyay warbaahinta UK. da" https://www.bbc.com/somali/war-48947037 +politics Mareykanka iyo Soomaaliya: Ma laga yaabaa in Biden uu ciidamadii Trump uu la baxay dib ugu celiyo? "Madaxweynihii Mareykanka ee xilka ka degay, Donald Trump ayaa 15-kii bishan amray in ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya laga soo saaro. Mareykanka waxaa Soomaaliya ka joogay 700 oo ciidamo ah, kuwaas oo ciidamada Soomaaliya ka caawiya la dagaallanka al-Shabab iyo mintidinta kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka. Diblomaasiyiinta iyo kooxaha korjoogtada ah ayaa ka digaya in - dalkan oo muddo soddon sano ku jiray xaalado jahwareer leh - uu mar kale qarka u saaran yahay fowdo, iyadoo dadaalka dib u dhiska Soomaaliya uu haatan khatar ku jiro Xilliga uu Mareykanka ciidankiisa kala baxay Soomaaliya ayaa ku soo aadey iyadoo doorasho ay ku soo fool leedahay dalka, lagana baqayo in khilaafka ka taagan hannaanka doorashada uu dhibaato horseedo. ""Soomaaliya waxay ku jirtaa xilli muhiim ah,"" Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swann, ayaa sidaas BBC-da u sheegay, isagoo ka digay in dhaqanka hoggaamiyeyaasha qaranka iyo kuwa gobollada - ee isku haya hannaanka doorashada baarlamaaniga ah ee dadban- uu horseedi karo rabshado. Go'aanka Trump ayaa ka nixiyay qaar ka mid ah Soomaalida gudaha dalka ku sugan, kuwaas oo madaxweynaha cusub Joe Biden ka codsaday inuu wax ka beddelo arrintaas. Sanator Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa go'aankaas ku tilmaamay ""mid aad looga shalleyn karo"". Wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ay wax weyn ka qabteen tababarka iyo tayada ciidamada Soomaaliya. Milkiilaha hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho, xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur, oo weerar lagu qaaday hoteelkiisa bishii August ee sanadkii hore ay ku dhinteen 15 qof, ayaa walaac weyn ka muujiyay in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya. ""Aad ayay inoo dhibeysaa,"" ayuu yiri milkiilaha hoteelka. ""Weli waan u baahannahay Ameerikaanka, gaar ahaan dhanka ammaanka."" Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilaabay inuu wax ka beddelo qaar ka mid a siyaasadihii ugu waaweynaa Donald Trump, saacado kaddib markii la dhaariyay ""Ma jiro waqti la luminayo marka ay timaaddo wax ka qabashada xasaradaha aan wajaheyno,"" ayuu barta Twitter-ka ku soo qoray xilli uu ku sii jeeday Aqalka Cad. Sharciyada horyaalla waxaa ka mid ah kan muranka badan dhaliyay ee mamnuucista safarka lagu tagi karo Mareykanka, ee dalalka qaar oo Soomaaliya ay ka mid tahay uu kusoo rogay madaxweynaha isaga xilka uu kala wareegay ee Donald Trump. Madxaweyne Biden ayaa khudbadiisii caleema saarka ku sheegay in Mareykanka uu hagaajin doono xiriirka caalamka, iyadoo mararka qaar ay khudbadiisa u muuqatay mid uu ku durayo siyaasadda maamulkii ka horreeyay ee Trump. ""Dib baan u hagaajin doonnaa xulafadeennaa dunidana mar kale ayaan la macaamili doonnaa,"" ayuu yiri. Biden wuxuu bishii Oktoobar ee sanadkii hore cambaareeyay go'aankii uu Donald Trump ciidamada Mareykanka uga saaray Suuriya. Iyadoo 100-ka maalmood ee ugu horreeya madaxtinnimadiisa uu qorsheynayo inuu wax badan ka beddelo qaar ka mid ah siyaasadihii Donald Trump, haddana ma cadda inuu xisaabta ku darsan doono ciidamada Mareykanka ee laga saaray dalal ay Soomaaliya ka mid tahay. Afhayeenka Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika Col. Chris Karns oo la weydiiyay in maamulka Madaxweyne Joe Biden uu wax ka beddeli doono arrintaas, ayaa sheegay inaan hadda la saadaalin karin. Ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya waxay wadashaqeyn la lahaayeen kuwa AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, Soomaaliyana ku tagay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Bishii Abriil ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu madaxweyne Donald Trump saxiixay wareegto uu ku kordhinayay xilliga ay ciidamada Mareykanka howlgallada gaarka ah u joogayaan Soomaaliya, isagoo ku daray hal sano oo kale. Hase yeeshee, iyadoo laga yaabo in muddo kordhintaas ay ahayd tii ugu dambeysay, haddana saraakiisha difaaca ee Mareykanka waxay sheegeen howlgalka Soomaaliya uu qaadan karo sannado kale. In ka badan saddex sano ayey koox Mareykan ah oo howlgal khaas ah loogu talagalay ku suganaayeen Soomaaliya. Shaqada ugu badan ee ay hayaan waa inay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan arrimo ay ka mid yihiin: Saraakiisha milatariga ee Mareykanka ayaa asaasay ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaanno Danab, kuwaasi oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 3,000 askari. Waxyaabaha kale ee ay milateriga Mareykanka ka sameeyaan Soomaaliya waxaa ka mid ah duqeymaha loo adeegsado diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka, kuwaasoo lagu bartilmaameedsado saldhigyada iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab. Faragalinta milateriga Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo billaabatay sanadkii 2007-kii, markaasoo duqeymo ay fulisay diyaaradda nooceedu yahay AC-130 lagu dilay dad ay rayid ka mid yihiin. Sanadkii 2019-kii ayey ciidamada Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen duqeymihii ugu badnaa abid, oo gaarayay ilaa 60 weerar oo xagga cirka ah. Weerarradaas oo la kala fuliyay bilihii Janaayo, Febraayo, Maarso, Abriil, Luulyo, Agosto, Oktoobar, Nofeembar iyo Diseembar ayaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsan xubnaha Al-Shabaab iyo dad shacab ahba." https://www.bbc.com/somali/war-55745319 +politics Gabar wasiir ka ahaan jirtay Puntland oo xil muhiim ah Minnesota looga magacaabay "Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka ayaa gabar Soomaali ah u magacowday gudoomiye kuxigeenka arrimaha socdaalka iyo qaxootiga. Anisa Xaaji Muumin oo horay wasiir uga soo noqotay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa waaxdan oo cusub si gaar ah loogu xil saaray inay diiradda u saarto saameynta ay soogalootiga ku leeyihiin dhaqaalaha gobolkaasi Maraykanka ka tirsan. Anisa Xaaji Muumin waxa ay Minnesota daganayd ku dhawaad 25 sanadood, mudadaas oo marna waxbarasho marna ganacsiyo kala duwan ay ka haysay, halka ay wasiirka horumatinta haweeenka ka soo noqotay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Anisa waxaa loo magacaabay in ay hoggaamiso xafiis cusub oo dowladeed oo ka caawin doona soogalootiga iyo qaxootiga in ay shaqo helaan ama ay bilaabaan ganacsi ay iyagu leeyihiin. ""Runtii aad baan ugu faraxsanahay inaan howshan qabto, waa howl aan aaminsanahay inaan ka soo bixi doono,"" ayey Anisa u sheegtay BBCda. Anisa Xaaji waxa ay sheegtay inay ku faraxsantahay xilkan, waxayna ii raacisay inay wax badan qaban doonto. Mar ay ka jawaabaysay in marnaba ay ku fakaraysay in xil noocan ah ay ka qaban doonto gobolka Minnesota oo qaxooti mudo badan ku ahayd ayaa waxa ay tiri: ""Intaanan aniga Soomaaliya u ambabixin oo wasiirka la ii magacaabin, qorshahayga markaan maamulka dowladda baranayay waxa uu ahaa inaan halkan ka qeybqaato siyaasadda."" Anisa Xaaji Muumin ayaa xiligaas loo magacaabay wasiirka horumarinta haweenka ee Puntland waxa ay la kulantay caqabado dhowr ah oo ka soo wajahay waxgaradeekeeda iyo xildhibaannada ku metela barlamanka Puntland kuwaasi oo ka hor yimi ina xilkaasi loo magacaabo. Waxa ay sheegtay marar dhowar oo ay amuurtaasi ka hadashay inay ka door bidayeen beesheedu in xilkaasi loogu magacaabo qof nin ah, balse madaxweynihii Puntland ee xilligaas Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu iskii xilkaas u magacaabay. Haatanse xaalku waa uu ka duwan yahay oo Anisa waxa ay xil ka heshay Mareykanka oo odoyaal iyo xildhibaanno beelo toona ra'yi lama waydiin, waxa ayna la shaqayn doontaa wasaarado badan sida caafimaadka, guryaha, gaadiidka iyo waxbarashada. Anisa waxa ay si dhow ula shaqeyn doontaa kuxigeenka wakiilka waaxda Shaqada iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED), Xamse Warfaa. Anisa waxay ka caawin doontaa shirkadaha iyo milkiilayaasha ganacsiyada inay shaqaaleysiiyaan oo ay sii hayaan shaqaalaha soogalootiga si kor loogu qaado awoodda dhaqaale ee Mareykanka cusub. Xamse Warfaa oo ah wasiir kuxigeenka wasaaradda Shaqa abuurka iyo Kobcinta Dhaqaalaha ayaa sheegay in qaybtaas Anisa loo magacaabay ay buuxinayso baahi muddo dheer ka jirtay Minnesota. ""Gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka iyo wasaaradda Shaqa abuurka iyo Kobcinta Dhaqaalaha miisaan wayn bay u leedahay in Anisa Xaaji Muumin ay ku soo biirto hogaankeeda oo qeyb lixaadleh ay ka qaadan doonto, sidii looga saari lahaa caqabadaha ama waxyaabaha ka hor sitaagaya qofka muhaajirka ah kana qeybqaato dhaqaalaha iyo horumarka gobolku uu leeyahay."" Ayuu yiri Xamse Warfaa. Tan iyo markii dadka Soomaaliyeed ay u hajireen waddanka Mareykanka , ayaa qaar badan oo ka mid ah waxa ay horumar ka gaareen dhan walba oo noloshooda ah. Waxa ay ka soo dhexmuuqdaan hogaanka siyaasadda oo mararka qaar waxaa loo magacaabaa xilal kala duwan kuwaas oo soo maray heerar kala duwan. Soomaalida ku nool gobolkaasi qaar ka mid ahna waxa ay soo dhaweeyeen xilkaas gabadhan loo magacaabay. Cabdiraxmaan Kaahin waxa uu ka mid yahay Soomaalida horumarka ka sameysay ganacsiga kaalin waynna ka gaaray gobolkaasi Minnesota ayaa inoo sheegay: ""Magacaabista Anisa Xaaji aad iyo aad ayaan u soo dhaweynaynaa maxaa yeelay gobolka Minnesota waa mid ka mid ah gobollahada ugu qanisan Mareykanka. Gobolkan Minnesota Soomaalida ka shaqeysata ama xirfadlayda ama ganacsatada waa dumar, dumarkaasna inay helaan qof ay u tagaan oo Anisa ah waa arrin wanaagsan wayna ka soo bixi kartaa."" Saamaynta dhaqaale ee uu gaystay Covid-19 ayaa ah mid muuqata, wasaaradan Anisa ay ka hawlgalaysana waa tan maaraysa dhaqaalaha gobolka. Ganacsatada yaryar ee gobolka Minnesota weliba kuwa laga tirada badan yahay maxaa uga qoraysan wasaaradooda ayaan waydiinnay Anisa oo ku jawaabtay: ""Gobolka dhowr boqol oo milyan oo doolar ayaa goonni loogu dhigay in lagu kaalmeenaayo iyaga, muhiimaddana waxa ay noqonaysaa inta ay la eg tahay baahida, ileen qofkasta baahidiisa la mid ma noqonayso, inaan eegno baahida inta ay tahay, maxay habkii uu u soo kaban lahaa iyo habkee annagu aannu u kaalmayn karnaa, si markaas uu qofka u soo ceshto dhaqaalihii ka lumay."" Anisa ayaa waxa ay intaas sii raacisay ""Covid-19 markii loo eego saameyn badan ayey dadka oo dhan ku yeelatay waase loo kala badan yahay dadka muhaajiriinta iyo qaxootigana way ka sii daranyihiinba, marka insha Allaah bi'idnillaahi kariim waxaan rajaynaayaa inaan xal helno."" Ayey tiri Anisa Xaaji Muumin." https://www.bbc.com/somali/war-53060061 +business Ninka iibsaday 60,000 oo ceel oo saliid iyo gaas ah "Taxanaha barnaamijka isbuuclaha ah ee The Boss wuxuu ka warramayaa taariikhda hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee adduunka daafihiisa kala duwan. Toddobaadkan waxaan la hadalnay Rusty Hutson Jr, oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkadda tamarta Mareykanka ee Diversified Gas & Oil (DGO). Rusty Hutson Jr waxaa lagu xusay buugga caanka ah ee ""the family trade"". Ninkan, oo ku dhashay meel u dhow warshad saliidda iyo gaaska lagu sifeeyo oo ku taalla galbeedka Virginia, aabihiis, awowgiis iyo awowgiis labaadba waxay kasoo shaqeeyeen - oo ay noloshooda kasoo maareeyeen - waaxda tamarta. Aabihiis iyo awooweyaashiisa waxay kasoo shaqeeyeen ceelasha saliidda iyo dhuumaha shidaalka qaada, waxayna shaqo adag soo mareen xilli aysan dunida casri ahayn, si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda. Rusty qudhiisa markii uu iskuulka dhiganayay iyo markii uu jaamacadda ku jirayba wuxuu shaqada la aadi jiray aabihiis. Laakiin markii uu Jaamacadda ka qalin jabiyay sanadkii 1991-kii, wuxuu go'aansaday inuu shaqadiisa ka dhigo wax ka duwan wixii ay waalidkiisa qaban jireen. ""Waxaan garawsaday in aanan nolosheyda meel uga soo darin ka shaqeynta saliidda iyo gaaska,"" ayuu yiri. ""Markii horeba ma daneyn jirin. Runtii waa shaqo aad u adag."" Sidaas darteed, maadaama uu cilmiga xisaabaadka uga qalin jabiyay jaamacaddii ugu caansaneyd galbeedka Virginia, wuxuu xirfaddiisa ka dhigtay inuu bangiyada ka shaqeeyo. Howshaas wuxuu ku jiray muddo toban sano ah, markii ugu dambeysayna wuxuu kusoo gabagabeeyay magaalada Birmingham, ee gobolka Alabama. Laakiin intii ay sannadaha socdeen, Rusty wuxuu sheegay in uusan ku qanacsaneyn go'aankiisa ahaa inuusan raacin raadkii aabihiis. ""Galbeedka Virginia waxay ahayd meel ay xaaladdeeda adag tahay markii aan soo korayay. Walina waa sidaas,"" ayuu yiri. ""Dadku waxay u qeybsanaayeen labo nooc, qaar ka shaqeynayay macdan qodista iyo qaar ka shaqeynayay shidaal qodista. Waxay ahayd arrin jiilal soo socotay - haddii ay aabahaa iyo awowgaa noloshooda kusoo maareeyeen, adigana waa inaad raadkooda raacdo. ""Dhowr sano markii aan xirfaddeyda kale ku dhex jiray waxaan dareemay inaan sharfi waayay shaqadii waalidiinteyda. Waxaa kale oo aan niyadda ku hayay inaan dhiso wax aniga aan la imid."" Sanadkii 2001-dii, isagoo 32 jir ah, ayuu Rusty iibsaday ceel hore oo gaas ah. Ceelkaas oo ku yaallay galbeedka Virginia wuxuu ku iibsaday lacag dhan $250,000 (£200,000). Lacagtaas wuxuu ka helay gurigiisa oo uu iibiyay. ""Wuxuu ahaa ceel yar oo qadiimi ah, muddo sannado ah ayaa wax laga soo saarayay, laakiin aniga wuxuu ii ahaa sidii dahab oo kale,"" ayuu yiri. ""Wali afartii sano ee xigtay bangiga ayaan kasii shaqeynayay, laakiin mar kasta oo aan fursad helo waxaan u duulayay galbeedka Virginia si aan ceelka uga shaqeeyo."" S i tartiib tartiib ah ayuu u koray ganacsigiisa, muddo dheer kaddibna wuxuu gaaray heer aad u wanaagsan. Maanta shirkadda Rusty uu leeyahay ee lagu magacaabo DGO waxay leedahay 60,000 oo ceel oo isugu jira saliid iyo gaas. Dhammaan ceelasheeda waxay ku wada yaallaan gobollada Galbeedka Virginia, Pennsylvania, Ohio, Kentucky, Virginia iyo Tennessee. Waxaa shirkaddiisa shaqaale ka ah 925 ruux, sannad kasta dakhliga soo gala wuxuu gaaraa in ka badan $500 oo milyan. Qiyaastii 90% shaqadeeda waxay ku saabsan tahay dhinaca wax soo saarka gaaska, halka 10% ay ka shaqeyso saliidda." https://www.bbc.com/somali/war-53286170 +politics Doorashada Kenya 2022: Maxaa hortaagan shaacinta natiijada doorashada Kenya? "Waxaa dalka Kenya ka socota tirinta codadka doorashada Madaxweynaha iyadoo si weyn ay isku hayaan Madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo Ra'iisul Wasaarihii hore, Raila Odinga. Sarkaal sare oo ka tirsan guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in aan la jabsan nidaamka tirinta codadka doorashada Madaxweynaha Kenya xilli si weyn looga dhuursugayo natiijada doorashada madaxtinimada ee Talaadadii ka dhacday Kenya. ""Arrin noocaas ah ma dhicin, waa xog khaldan"" ayuu yiri madaxa fullinta ee guddiga doorashada Kenya , Marjan Hussein Marjan. Baraha bulshada Kenya waxaa hareeyay eedeymo ku saabsan in natiijo been abuur ah la geliyay xilli guddiga doorashada ay xaqiijinayaan codadka doorashada Madaxweynaha. Xog tirinta codadka ah oo ay sameysay warbaahinta ayaa muujineysa in labada musharax ee ugu cadcad ee kala ah Raila Odinga iyo William Ruto ay si aad ah isugu dhaw yihiin. Laakiin guddiga doorashada oo kaliya ayaa ku dhawaaqi kara cidda ku guuleysata doorashada - waxayna heystaan muddo toddoba maalmood ah oo ka billaabato maalintii codbixinta. ""Waxaan ka baqeynay in la jabsado nidaamkeena tirinta codadka balse waxaan xaqiijinayaa in dhammaan qalabkeena yaalla guud ahaan dalka in la sugay amnigiisa"" ayuu yiri Marjan oo shaley la hadlayay warbaahinta. Mar sii horreysay guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in aysan jirin wax cabsi ah oo ku aadan kala duwanaanshiyaha tirinta ee warbaahinta kala duwan balse natiijada kama dambeysta ah ay isku mid noqon doonto maadma ay heel meel ka soo xiganayaan isku darka codadka. Saraakiisha guddiga doorashada ee ku sugan xarunta Bomas ayaa si weyn ugu mashquulsan tirinta codadka doorashada Madaxtinimada. Jimcihii, guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa qiray in hannaanka tirinta codadka doorashada Madaxweynaha ay wakhti badan qaatay isla markaana eedda dusha uga tuuray wakiilada axsaabta ee ku sugan goobta. Saraakiisha guddiga doorashada ayaa hubsanaya iskuna daraya natiijada in ka badan 46,000 oo goobaha codbixintaa natiijada ka soo baxday, kuwaas oo haatan la geeyay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi. Koox weriyeyaal ah oo ka tirsan warbaahinta kala duwan ayaa si weyn ugu howlanaa tirinta codadka iyagoo bartooda Online-ka ku daabacayay natiijada hadba codadka doorashada ay guddiga doorashada ka helaan. Tan iyo subaxnimadii shaley aheyd , warbaahinta gudaha waxay hoos u dhigeen tirinta codadka doorashada- inkasta oo aysan kala caddeyn sababta ka dambeysa, dadka qaar waxay sheegayaan in shaqaalaha warbaahinta ay daaleen. Waxaa dalka laga dareemayaa walaac laga qabo hannaanka gaabiska ah ee ay ku socoto tirinta codadka doorashada iyadoo doorashooyinkii hore ee lagu muransanaa ay sababeen rabshado ama gabi ahaanba meesha laga saaro natiijada doorashada. Kadib rabshadihii hareeyay doorashadii sanadkii 2007-dii, ugu yaraan 1,200 qof ayaa lagu dilay halka 600,000 ay guryahood ka qaxeen kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in doorashada lagu shubtay. Sanadkii 2017-dii kadib khalaadkii dhinaca farsamada ahaa waxay Maxkamadda ugu sarreysa Kenya waxay waxbo kama jiraan kasoo qaaday natiijadii doorashada, waxaana dib loo qabtay doorashada Madaxweynaha. Saraakiisha guddiga doorashada waxay haatan dadaal dheer u galeen in wax kasta ay saxaan. Ma kala cadda xilligga lagu dhawaaqi doono natiijada kama dambeysta ah balse guddiga doorashada Kenya ayaa bilaabay inay xaqiijiyaan codadka doorashada ee guud ahaan 290- deegaan baarlamaaneed. Guddiga doorashada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaa natiijada doorashada madaxtinimada. Murashaxa ku guuleysata doorashada madaxtinimada: Haddii qofka uu suurtgeli weyso in uu helo codadkaas sida sharciga dhigayo waa in 8-da September lagu celiyo doorasho kale. Tirinta tooska ah: Natiijada doorashada madaxweynaha Kenya Duco, oohin iyo hanjabaad hareeyay ololaha doorashada Kenya ee maanta la soo gabagabeeyay" https://www.bbc.com/somali/war-62531209 +politics Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya: Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in aan loo adeegsan karin Soomaaliya "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo Axaddii soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Madaxweyne Biixi oo BBC-da uga warramay ujeeddada safarkiisa Kenya ayaa sheegay inuu u yimid si ay Kenya uga wada hadlaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimo dhowr ah. ""Waa labo dal oo jaar ah, Geeska Afrika ku wada yaalla, mid waliba uu kan kale u baahan yahay marka waxaan u imid in aan kobcinno wax wada qabsigayaga iyo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, diblomaasiyadda, jaar wanaagga, nabadeynta Geeskan Afrika iyo caalamkaba,"" ayuu yiri. Madaxweyne Biixi ayaa shalay madaxtooyada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Ujeedada kulanka ayuu ku sheegay arrimo la xiriira danaha ""labada dalk"", waa siduu hadalka u dhigay ee. ""Uhuru waxaan ka wada hadalnay danaha labadayada dal. Waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay waxyaabo badan, geeskan aynu ku nool nahay sidii uu nabad iyo horumar iyo barwaaqo u gaari lahaa, wixii ka dhiman iyo guud ahaan caalamkaba dhibaatooyinka ka jira iyo sidii aan uga faa`iideysan lahayn fursadaha laga yaabo inay ka jiraan caalamka iyo Geeskaba,"" ayuu BBC Somali u sheegay Muusa Biixi. Booqashada Madaxweyne Biixi ayaa ku soo aadeysa xilli uu khilaaf xooggan u dhexeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sababay in xiriirka diblumaasiyadeed uu kala go'o. Xalay ayaa ugu dambeysay oo dowladda Soomaaliya ay amartay diblumaasiyiinta Kenya in ay Soomaaliya oga baxaan muddo 7 maalmood gudahood ah, waxayna ku eedeysay in Kenya ""ay faragelineyso arrimaha madaxbannaanida dalka"", sida lagu xusay warsaxaafadeed. Muuse Biixi Cabdi waa madaxweynihii labaad ee Somaliland ee ay Kenya martiqaaddo. Madaxweynihii hore, Daahir Riyaale Kaahin ayaa Kenya ku yimid booqasho ka dib casuumaad uu ka helay madaxweynihii hore ee Kenya Kibaki. Balse safarka madaxweyne Biixi ayaa ku soo aaday xilli ay xasaasiyad adag ka taagan tahay Bariga Afrika, taas oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya. Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in booqashadiisa iyo arrintaas aanu ka dhexeyn wax xiriir ah. ""Malaha eraygaas la iskuma quuri karo. tan kale Soomaali ayaynu nahay, annagu waxaan isu qabnaa in aan nahay kuwii Soomaali meel ay joogtaba wax tari lahaa ee mooyaane aan wax yeeleyn iyo bani`aadamka kaleba."" ""Qofna ma rabno in aan dulmi ku sameyno. Waxa labada dal ka dhaxeeya haddii ay dhex gal waayeelnimo naga codsadaan, waynu kala dhex galeynaa, in aan xallino iyaga oo wada socda, haddii dal qura naga codsadana dhex geli meyno. Mid Kenya na, noo quuri meyso kana aqbali meyno, annaguna ma nihin dad loo adeegsado dad kale."" Ganacsiga Jaadka waxaa horey loo joojiyay dhowr goor, waxaana ka mid ahayd sannadkii 2016-kii, kaddib xurguf diblomaasiyadeed oo soo kala dhex gashay labada dal. Arrintaas ayaa saameyn ku yeelatay ganacsatada jaadka ee Kenya oo sheegay in ay khasaareen lacag aad u badan. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in arrimaha ay ka wada hadleen Madaxweyne Kenyatta aysan ka mid ahayn jaadka. ""Waxaa laga wada hadlayaa labada dal maxay wada qabsan karaan,"" ayuu yiri. ""Madaxweynayaashu waxay ka wada hadleen mabaadii`da waaweyn. Waxyaabahaas waxay imaan karaan marka loo dhaadhaco farsamada, ee dowladuhu xiriir is weydaarsadaan, ee xafiisyo labada dal ka wada shaqeeya ay furtaan. Markaas ayaa loo dhaadhici karaa 'maxaynu ka baayac mushtari karnaa? halkeynu gaari karnaa?'."" Bilow ka hor, dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay dib u soo celisay diyaarad sidday jaad oo laga leeyahay Kenya, taas oo lagu eedeeyay inay jabisay tallaabooyinka lagu xaddidayo fayraska corona, sida uu sheegay sarkaal magaciisa ka gaabsady oo dawladda ka tirsan. Jaadkaas waxaa qiimihiisa lagu sheegay $30 kun oo doollar, iyadoo ganacsatada jaadka ee Kenya ay sheegeen in khasaare badan uu ka soo gaaray soo celinta diyaaraddaas. Jaadka ugu badan ee Somaliland wuxuu ka yimaadaa Itoobiya. Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa inta kale ee Soomaaliya ka go'day sannadkii 1991, xillugaas oo bilow ay ahaayeen colaadaha sokeeye ee dalka. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Uhuru ay sidoo kale kala hadleen sidii Somaliland loogu aqoonsan lahaa in ay tahay dal ka madaxbannaan Soomaaliya. ""Dowlad kasta iyo cid kasta oo aynu aragno, muhiimadda koowaad waa aqoonsi oo aan nin walba kala hadalno,"" ayuu yiri madaxweynaha. Wuxuu intaas ku daray in labada dowladood ay dhowaan qorsheynayaan in la ballaariyo xiriirka diblomaasiyadeed. Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in bilowga sannadka soo socda ay Kenya qunsuliyad ka furan doonto Hargeysa. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in xiriir ganacsi oo wanaagsan ay la leeyihiin Kenya. ""Shaaha laga cabo Somaliland wuxuu badankiis ka yimaada Kenya, isla markaana muwaadiniin badan oo Kenya u dhashay ayaa ka shaqeeyaan Somaliland."" ""Ma u maleyneysaa in inka badan 7,000 oo Kenya u dhalatay ay maanta Soomaalida u shaqeeyaan oo ay ku jiraan meel walba oo aqoon looga baahan yahay. Waxa laga beec-mushtarayaa maanta waa aqoon, waa qalab wax is weydaarsi, marka sida caalamku u wada shaqeeyo ayaan u beec-mushtareynaa,"" ayuu u sheegay BBC Somali. Madaxweyne Muusa Biixi Cabdi wuxuu tilmaamay in Somaliland ay leedahay macdan badan iyo xoolaha nool oo aad loo baahan yahay." https://www.bbc.com/somali/war-55314843 +sports Ciyaartooyga magaca diinta Islaamka kor u qaaday "Maxammed Saalax waa ciyaartooy caan ah oo u dhashay dalka Masar dhanka weerarkana uga ciyaara kooxda Ingiriiska laga leeyahay ee Liverpool. Waana mid ka mid ah weeraryahannada ugu fiican horyaalka Ingiriiska. Ciyaartooygan wuxuu caan ku yahay markasta oo ciyaar uu soo saftay uu gool ka dhaliyo inuu muujiyo astaan shucuurta islaamka ka mid ah, taasoo u horseedday dunida muslinka inuu taageerayaal badan uu ku yeesho. Marka laga soo noqdo doorka firfircoon uu Saalax ku leeyahay horumarka waxbarashada, caafimaadka iyo mashaaariica xuquuqda xayawaanaadka. Dad badan ayaa aaminsan Saalax inuu kor u qaaday sumcadda Diinta Islaamka iyo Muslimiinta intaba. Waxaana inta badan lagu taageeraa ‘Sujuudda’ uu la yimaaddo markasta oo uu gool dhaliyo. Ficilka uu Saalax sida joogtada ah uga sameeyo garoommada tartannada kubadda cagta lagu qabto waxay si weyn u soo jiidatay xataa dadka aan ciyaaraha xiiseyn. Dr Solava Ibrahim oo ah haweeney u dhalatay Masar dhalashada Britain-na haysato cilmiga Siyaasadda Caalamigana ka dhigta Jaamacadda Anglia Ruskin ficilka Saalax waxay ku tilmaantay, inuu baddalay aragtidi muslimiinta laga qabay ee ahayd iney la xiriiraan rabshadaha dunida ka dhaca, argagixisanimada iyo iney dumarka liidaan.” Taageerayaasha Saalax ee aan muslinka ahayn laftooda garoommada waxay ka qaadaan hees micnaheedu tahay ‘Saalax waa deeq ilaahey noo soo diray’ oo ay ku ammaanayaan, halka mid ka mid ah taageerayaasha Liverpool oo aad ula dhacay goolasha quruxda badan uu Saalax dhaliyo uu yiri: ‘Haddii gool kale degdeg u dhaliyo waan muslimayaa.” ”Hadalka qofkaasi ma muujineyso oo keli ah inuu diinta qaadanayo balse waxay muujineysaa sida uu Maxammed Saalax uu ugu yahay qof uu ku daydo, carabta oo keli ahna ma aha dadka ku daydo balse dhalinyarada ku nool Bariga Dhexe, Afrika iyo UK ay iyaguna ku daydaan. Najiib Al-Xakiimi, oo isku duwa ka ah Xaruunta Carabiga ee Liverpool ayaa sheegay inuu aad ugu farxay heestan, sababtoo ah dadku waxa ay u eegi jireen Muslimiinta sidii inay Argagixiso ama jaahiliin yihiin. ""Balse ficilka yar uu Maxammad Saalax sameeyey ayuu arrima badan ku baddalay,” ayuu sii raaciyey. ""Haddii dadku ay dareemaan in caqiidada Muslimku ay tahay mid kale, ficillada Saalax waa kuwo muhiim ah,"" ayuu yidhi Neil Atkinson. ""Saalax wuxuu ka caansan yahay dad badan oo ku guuleystay abaal marinta caalamiga ee Nabadda oo loo yaqaanno ‘Noble Prize’, caannimadaasina wuxuu ku helay laacibnimada uu caanka ku yahay uu uga faa’ideystay farriimo diineed inuu ku gudbiyo,” ayey tiri Dr Solvana Ibraahim. Tani iyo marki uu Saalax uu ku soo biiray kooxda Liverpool waxaa la sheegaa iney hoos u dhaceen muslim naceybki dalka Ingiriiska iyo taageerayaasha kooxda ka dhex jiray intaba." https://www.bbc.com/somali/articles/cljk5ep8z0ko +politics Monica Juma : Kiiska Soomaaliya aad buu u jilicsanyahay "Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Kenya Monica Juma oo wareysi gaar siisay BBC-da ayaa sheegtay in kiiska badda ee Soomaaliya uu yahay mid aan adkayn. ''Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyo oo ah in Soomaaliya ay kiis adag leedahay oo ay iyada ku gacan sareeyo kiiska maxkmadda, laakiinse inaga taasi ma aaminsanin, sababtoo waxaan haysanaa kiis dhan walba ka adag, balse ma rabo in aan ka hor dhaco,'' ayay tiri Wasiirka Arrimaha dibedda ee Kenya. Kenya waxa ay aad uga welwelsantahay kiiska badda ee maxkamadda horyaala, waxayna door bidi lahayd in wada hadal labada dal ay ku dhamaystaan arrimaha dhex yaala, waxayna wasiiradda sheegtay in Soomaaliya ay maxkamadda ku orodday ka hor intaanba wax la'is weeydiinin. ''Somaaliya iyadoon cid kaleba la hadal ayay markiiba maxkamad tagtay oo ah halkii ugu dambeysay mana aaminsani in taasi ay keeneyso xal waara'', ayay tiri Monica Juma. Dhinaca kalana Maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ ayaa goor sii horeeysay shaacisay xiliga ay dhageysaneyso muranka badda ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda ICJ oo horay u go'aamisay inay dhageysan doonto dacwadda badda ee u dhaxeysa labada dal ayaa waxaa ka soo horjeeday Dowladda Kenya oo iyadu dooneysay in khilaafka lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda. War qoraal ah oo ka soo baxay ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha Sabtembar ay dhageysan doonto dooda labada dhninac ee xuduudda badda. Dhageysiga ayay maxkamadda u qeybisay laba wareeg oo afar maalmood gudahood ku dhici doonta. Inkstoo maxkamadda aysan si rasmi ah uga hadlin xiliga ka go'aan gaarista iyo waxa laga hadlayo ayaa dadka darsa arrimahaas waxay qabaan in la dhageysan doono waxa dhinacyada ay ku doodayaan. Arrintan la xiriirta xuduudda badda ayaa dhalisay khilaaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku ""xaraashtay"" ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay. Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka. Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah." https://www.bbc.com/somali/war-48800475 +health "Mamnuuca xarafka ""xanuun baabi'iye"" si dadka ay isaga yareeyaan dawada" "Erayga ""painkiller"" oo ah ""xanuun baabi'iye"" waa inaan loo adeegsan waxa dadka ay aaminsan yihiin ee ah in xanuunka uu dawo u yahay, sida ay lataliyeyaal dowladda Britain ah ay ku doodayaan. Prof Jamie Coleman wuxuu sheegay in ereygaas oo dhaliyay waxyaabo dadka ay fishaan oo aan macquul ahayn - sida in uu xanuunka baabi'iyo ama yareeyo iyo in dawo ka fiican aan la heleyn. Cilmi baaris ayaa muujineysa in mid ka mid ah 10-kii qofba uu raadiyo kaniin xanuun baabi'iye ah oo muddo jirkiisa ku jiri kara, taas oo keeneysa in kaniinnada aadka u culus ay liqaan. Barfasoor Coleman wuxuu sidoo kale sheegay in uu daneynayo in la joojiyo tukaamada yaryar iyo farmeshiyada iibiya xanuun baabi'iyaha hooseeya, iyadoo dhaqtar uusan qorinna siiya dadka doonaya. Wuxuu sheegay in xitaa dawooyinka tayadoodu hooseyso ay noqon karaan kuwo ay dadka la qabsadaan, waxyeello caafimaadna u geysan karaan aayaha dambe ee dadka isticmaala, sida inay matagaan iyo dawakhaad. Warbixin ay sanadkii lasoo dhaafay daabacday waaxda Adeegga Caafimaadka Dadweynaha ee England (PHE) ayaa looga digay inaysan waxyeello kasoo gaarin dawooyinka ay iska qaataan iyagoo aan loo soo qorin. Dawooyinka laga digay waxaa ka mid ah kuwa xanuunka baabi'ia, kuwa loo qaato walwalka iyo dawooyinka hurdada. Nooca dawada ee loo yaqaanno ""Opioids"" sida codeine iyo morphine, ayey dhakhaatiirtu u qoraan si xanuunka loogu xakameeyo. Laakiin sida guud waxaa isbitaallada loogu isticmaalaa bukaannada qaba xanuunka kansarka, iyo bukaannada dhimanaya. Dhakhaatiirta qoysaska ayaa sidoo kale dawooyinkaas u qora bukaannada qaba xanuunnada muddo dheer socda. Cilmi baarista PHE ayaa lagu ogaaday in sanad kasta dawooyinkaas la siiyo in ka badan 5 malyan oo ruux - kuwaasoo 1.2 malyan oo ka mid ah ay qaataan ugu yaraan 12 bilood oo xiriir ah. Barfasoor Coleman, oo ah khabiir ka tirsan jaamacadda Birmingham, wuxuu sheegay in loo baahan yahay hab-dhaqan loo wajaho isticmaalka dawooyinka xanuun baabi'iuaha ah, maadaama ay waxyeelladoodu sii korodhay. Dr Cathy Stannard, oo ah lataliye dhinaca xanuunnada ah oo ka tirsan xarunta NHS Gloucestershire, islamarkaana horay u fulisay daraaad lagu sheegay in 10-kii qof ee kaniinnada xanuun baabi'iyaha qaadata uu mid ka mid ah kaliya ku faa'iido, ayaa sheegtay inay taageersan tahay arrinta ku saabsan in dib loo fakaro. ""Waxaan u maleynayaa inaan si xad dhaaf ah u qaadanno dawadaas. Dhakhaatiirta qoysaska ma helaan wakhti ay uga sal gaaraan dhibaatooyinka heysta bukaannada. ""Dadka qaarkiis, kaniiniga painkiller-ka ""xanuun baabi'yaha"", waxay u noqon karaa kuwo baddala noloshooda, laakiin kuwo badan waxba uma taro, ayey tiri"". Laakiin waxay intaas ku dartay in dhibaatooyinka laga arkay UK gudaheeda aysan gaarsiisneyn heerka kuwa ka jira Mareykanka, halkaasoo ay ku bateen dhimashooyinka ay sababaan dawooyinka." https://www.bbc.com/somali/war-51412781 +business Kabo dhiigga bani'aadanka lagu sameeyay oo muran adag ka dhaliyay caalamka "Shirkadda kabaka iyo dharka soo saarta ee Nike ayaa maxkamad la tiigsaneysa shirkad kale oo kabaha dib u farsameysa, oo lagu magacaabo MSCHF, kaddib markii uu muran xoog leh ka dhashay kabo la dhalan rogay oo laga dhigay wax lagu sheegay ""kabo sheydaan"" kuwaasoo ka kooban dhibco dhiig bani'aadan oo run ah oo qeybta hoose lagu dhex sameeyay. Kabahan oo nooca jimicsiga lagu sameeyo ah ayaa hoos looga qoray erayga ""Luke 10:18"", iyadoo la isticmaalay kabaha Nike ee noocoodu yahay Air Max 97s. Qiimahooda waxaa laga dhigay $1,018 (oo u dhiganta £740) Shirkadda MSCHF ayaa Isniintii markii ugu horreysay suuqa kusoo bandhigtay 666 joog oo kabahaas ah, waxaana u xayeysiinayay fannaanka heesaha raabka sameeya ee la yiraahdo Lil Nas X. Waxay mas'uuliyiinta shirkaddan sheegeen dhammaan kabihii looga wada iibsaday wax ka yar hal daqiiqo gudaheed. Hase yeeshee, Nike ayaa sheegeysa in lagu xad gudbay shuruucdeeda ganacsiga. Kabaha midabkoodu isugu jiro madowga iyo casaanka ayaa markii Isniintii lasoo bandhigay waxay ku soo aadeen daah furka heesta cusub ee Lil Nas X, ee loo bixiyay Montero (Call Me By Your Name), taasoo Youtube-ka lasoo galiyay maalintii Jimcada. Inta ay heesta socotay ayuu fannaanka kusoo qaatay waxyaabo kabaha la xiriirinaya ""inuu leeyahay sheydaan"". Nike oo ku caan baxday soo saarista agabka lagu ciyaaro ayaa hadda kiis dacwadeed ka diiwaan galineysa maxkamad uu fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyadoo ku dooneysa in aysan oggolaanin ficilka loo adeegsaday kabaheeda lagu tilmaamay kuwa sheydaanka. Waxay Nike ka codsaneysaa maxkamadda inay hor istaagto in MSCHF ay mar kale iibiso kabahaas iyo inay ka joojiso isticmaalka astaanta kabaheeda. ""MSCHF iyo kabaha ay sameeyeen ee lagu qeexay sheydaanka waxay jah wareer ku ridayaan macaamiisheenna,"" ayaa lagu yidhi qoraal ay Nike u adeegsatay maxkamadda. Arrintan ayaa hadal-heyn ballaaran ka dhalisay gudaha Mareykanka iyo meelo kale oo ka mid ah caalamka." https://www.bbc.com/somali/war-56579431 +health Sidey dalalka Afrika u wadaan baaritaanka Covid-19? "Baaritaanka cudurka ayaa waxa uu dowr muhiim ah ka ciyaaraa jawaabta laga bixinaayo coronavirus, taas oo gacan inaga siinaysa inaynu fahanno heerka faafitaanka ee cudurka. Xarunta Afrika ee ka hortagga iyo kontoroolidda cudurrada, oo xiriirinaysay dedaallada loogaga jawaabayo cudurka ee qaaradda oo dhan, ayaa waxa ay sheegaysaa in farqi wayn uu u dhaxeeyo heerarka baaritaanka ee qaramada kala duwan ee qaaradda. Marka waa kuwama dalalka guusha ka gaaray baaritaanka, waase kuwee kuwa laga tegay? Qaar ka mid ah dalalka ugu baaxadda yar Afrika ayaa waxa ay horumar wayn ka gaareen heerarka baaritaanka iyagoo qaaday wax ka badan dalalka waa weyn ee ay dariska yihiin. Mauritius iyo Jabuuti, tusaale ahaan, waxa ay heer sare ka gaareen baaritaanka. Ghana ayaa sidoo kale lagu amaanay heerka baaritaanka, kaas oo xukuumaddu ay sheegtay inuu gacan ka gaysanayo in la xakameeyo faafitaanka fayraska markii xayiraadaha la qaado. Koonfur Afrika ayaa sidoo kale qaadday talaabooyin adag oo ah istaraatiijiyad lagu baarayo cudurka, waxaana ilaa hadda u suuragashay inay qaado in ka badan 200,000 oo baaritaan. Tiradaasi waxa ay wax badan ka yar tahay baaritaannada ay sameeyeen dalalka Kuuriyada Koonfureed, Talyaaniga iyo Jarmalka. Sikastaba xaalku ha ahaadee, dalalkaasi ayaa waxa ay wax badan ka horreeyaan dalal badan oo ay ku jiraan UK iyo Mareykanka kuwaas oo ay baaritaannadoodu ay gaabis ahaayeen. Waxaa jira walaac ah in dalka Nigeria ee ugu dadka badan qaaradda Afrika, uusan sameyn baaritaanno ku filan, walow dowladdu ay ku adkaysanayso inay diiradda saarayso xaaladaha la ogaaday ee cudurka. Weriyaha BBCda uga soo warrama waddanka Nigeria Chi Chi Izundu ayaa waxa uu sheegayaa in mas'uuliyiintu ay kordhinayaan baaritaanka. ""Ujeedku waxa uu yahay in maalintiiba la baaro 5,000 oo qof - hasayeeshee lama baaro xitaa 1,000 qof."" Waxaa muhiim ah in la xuso inay jiraan dalal badan oo ku yaal qaaradan kuwaas oo aanan la heli karin xogtooda baaritaanka, sida dalalka Eritrea iyo Aljeeriya. Qaarkood maba lahan awoodda baaritaanka, halka ay jiraan kuwo sababo jira awgeed aanan xogta ku bixinayn. Tusaale ahaan, Madaxweynaha Tanzania, Magufuli, ayaa sheegay in xogta oo la shaaciyo ay cabsi abuurayso. Dalkiisa ayaa waxa uu bixiyaa xog aan israacraacayn, oo mararka qaarkoodna wax ay shaaciyaan uun tirada dadka xanuunkaasi ka bogsootay. In la helo qalabka baaritaanka ayaa waxa ay noqon kartaa mid adag, maadaama dalalka Afrika aanay iyagu soo saaran qalabkaasi iyo baratanka loogu jiro saadka kooban ee caalamka oo dhan ka dhaxeeya. John Nkengasong oo ka tirsan Xarunta Afrika ee ka hortagga iyo kontoroolidda cudurrada, ayaa sheegaya in ""burburka ku yimid iskaashigii caalamiga ahaa iyo guuldarrada soo wajahday midnimadii caalamka ay Afrika ka riixday suuqa daweynta"". Waxa uu sheegay in dalalka Afrika ay suuragal tahay inay haystaan dhaqaalihii, hasayeeshee ""markii 70 dal ay xayiraad ku soo rogaan in qalabka dawooyinka aanan dalka laga saari karin"" taas waxa ay adkaysay in la soo iibsado agabka asaasiga ah ee loo baahanyahay. Waxaa kale oo jirta caqabad kale oo hortaagan in la kordhiyo baaritaanka, oo ay ka mid tahay tallaabooyinka xayiraadaha lagu xaddidayo dhaqdhaqaaqa, taas oo dadka ku adkayn karta inay tagaan goobaha baaritaanka. Sikastaba xaalku ha ahaadee, Ngozi Erondu, oo ka tirsan Xarunta Caafimaadka Guud ee Chatham House, ayaa sheegaya in arrinta ugu wayn ay tahay qalabka. ""Waa marka aadan hayn agab iyo aalado kugu filan oo baaritaan,"" ayuu yiri Dr Erondu. Xarunta koontoroosha cudurrada ee Nigeria ayaa haatan waxaa hoos yimaada 18 shaybaar oo lagu baari karo cudurka, oo kuu sheegi kara haddii aad cudurka qabtid. Hasayeeshee waxa ay xaruntu dirtay codsi degdeg ah oo ay ku dalbanayso in lagu soo gaarsiiyo qalabka asaasiga ah ee baaritaanka. Kenya ayaa sidoo kale qirtay inay wajahayso caqabado ah sidii ay ku heli laheyd qalabka baaritaanka, kan gacmaha la marsado iyo kiimikada wax lagu baaraba, sidaas daraadeedna waxaa dhawaan hoos u dhacay tirada dadka cudurka laga baaro. Mid ka mid barasaabyada deegaannada Kenya ayaa dhawaan sheegay in dalka ay taal 5,000 oo qalabka dadka cudurka looga baaro ah, oo ay rajaynayaan 24,000 oo dheeraad ah. Sidoo kale waxaa jira arrimo kale oo bulsho iyo siyaasadba leh oo ay suuragal tahay inay curyaaminayaan baaritaan ballaaran oo la sameeyo. ""Bulshooyinka qaar waxaa dhici karta in qofka la ceebeeyo haddii uu cudurka coronavirus ku dhaco,"" ayuu yiri Ngonzi Erondu. ""Sidoo kale hogaamiyayaasha maxalliga ah ayaa laga yaabaa inay dadka ka hor istaagaan inay isbaaraan waa haddii ay doorasho u taagan yihiin."" Midowga Afrika iyo Xarumaha Afrika ee koontoroolla cudurrada ayaa waxa ay bilaabeen hindise ay diiradda ku saarayaan dabagalka, baaritaanka iyo baadigoobka dadka laga shakiyay inay cudurka qabaan. Hindisaha ayaa waxaa looga gol-leeyahay in guud ahaan qaaradda muddo afar todobaad ah lagu gaarsiiyo hal milyan oo qalabka wax lagu baaro ah. Cudurka coronavirus ee xilliga hore ka dilaacay qaaradaha Aasiya iyo Yurub ayaa dalalka Afrika waxa uu siiyay waqti ay kaga baaraan degi karaan qaabka ay uga jawaabi lahaayeen, iyadoo sidoo kale ay gacan siisay khibradda sida ay u maareeyeen cudurrada sida Ebola oo kale. Hasayeeshee in qalabka cudurka lagu baaro laga soo helo suuq caalami ah oo lagu baratamayo, baaritaannada in lagu sameeyo goobaha looga baahan yahay iyo in la dhiso shaybaaro samballada lagu baaro ayaanay u fududayn dalalka uu dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa hannaankooda caafimaad uu liito." https://www.bbc.com/somali/war-52595670 +politics Maxaa kala haysta qaxootiga Dhadhaab iyo dadka deegaanka? "Waxa maanta guud ahaan caalamka laga xusaayaa maalinta qaxootiga aduunka oo sanad kasta la xuso 20 bisha June. Sannad walba malaayiin qof ayaa lagu qasbaa in guriyahooda ay ka qaxaan si ay u aadaan goob ammaan ah. Dadkan qaxootiga noqda ayaa waxaa sabab u ah barakacooda dagaalo,ama musiibooyiinka dabiiciga ah. Maalinta qaxootiga addduunka ayaa waxaa loogu talagalay in ay noqto maalin wacyigalin ah oo caalamka lagu baraarujinyo dhibaatada qaxootiga guud ahan caalamka. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in daqiiqad kasta ay 25 qof ay ka qaxaan goobihii ay daganaayeen iyaga u baxsada gooba y ku badbaadi karaan. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ay 30 sano ugu dambeeyay ka qaxeen dad badan kuwaasi oo qaxooti ku ah goobo kala duwan oo caalmka ah. Qaxootiga Soomaalida ayaa intood badan ku jira xerooyiinka qaxootiga ee Dhadhaab. Qaar ka mid ah qaxootigan ayaa xerooyiinka ku noolaa muddo 30 sano ku dhaw. Carruurtii ku dhashay xerooyiinka ayaa caruur ku sii dhalay taasi oo muujinaysa mudda dheer ee ay xerooyiinka Dadab ku jireen. Haddaba iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinta qaxootiga adduunka ayaa waxaa intii muddo ahba taagnaa khilaaf u dhexeeyay qaxootiga xerooyiinka Dhadhaab iyo bulshada martigelisay qaxootiga. Tirada qaxootiga ku jira xerooyiinka ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ay ku dhawdahay nus malyuun. Dadka ku nool deegaanka Dhadhaab ayaa ku eedeeyay qaxootiga xeryahaasi inay xaalufin ba'an ku hayaan deegaanka, maadaama ay xaabo iyo agabka dhismaha uga baahan yihiin halkaasi. Axmed Muxumed Cabdi oo ah agaasimaha fulinta ee hay'adda RRDO oo ka shaqeysa arimaha deegaanka ayaan sheegaya in dhibaatada ay deegaanka ku hayaa qaxootiga ay tahay mid ballaaran. Mr Axmed ayaa sheegay in dadka qaxootiga dhirtii ka dhigteen xaabo ay cunnada ku karsadaan iyo geedo ay guriyo ka dhistaan. ""Wax walba oo ay u baahan yihiin in ay dhirta soo guraan si ay guriya u dhistaan iney qoryo soo gurtaan si ay cunno u karsadan, dhulkii wuu xaalufay "",ayuu yiri Mr Axmed. Axmed Muxumed Cabdi oo ah agaasimaha fulinta ee hay'adda RRDO oo ka shaqeysa arimaha deegaanka ayaa farta ku fiiqay in imika xitaa xoolihii meel ay daaqaan a la'yihiin. ""Dhulkii dhib badan baa gaaray runtii,xoolihii dhulka lagu ogaan jiray sida geela lo'o iyo Ariga ma laha,sababtoo ah waxay ka cunaan dhulkii ma lah "", ayuu intaa ku daray Mr Axmed ayaa xusay in xitaa qofkii uu u baahda in uu xaabo cunno uu ku karsado helo ay imika tahay in uu masaafo dheera aado. ""Qoyihii hadda waa in 50 kiilo mitir Dadab ka fogaataa si aad qoryo u hesho "",ayuu yiri Mr Axmed. Dadka ku nool xerooyiinka qaxootiga ee Dadab ayaa waxaa ay ku tiirsan yihiin gargaarka ay siiyaan hay'adaha gargaar ee Qaramada Midoobey. Axmed Muxumed Cabdi oo ah agaasimaha fulinta ee hay'adda RRDO oo ka shaqeysa arimaha deegaanka ayaa sheegay in arrintan xaalufinta dhirta ay ku wargaliyeen qaramada Midoobey,balse aysan waxba ka qaban. ""Waxa uu intaa ku daray in mar walba ay hay'adaha Qaramada Midoobey ay u sheegaan in aysan wax miisaaniyad ah u hayn wax ka qabashada dhibaatadaasi "" ayuu intaa ku daray. ""Qorsho fara badan ayaa la yimid balse qaramada Modoobey waxay walba dhehdaa lacag uma hayno,deeq bixiyayaasha way jarteen deeqdoodi,arrinta ay UN meesha soo saartay ayaa waxay tahay inaan lacag loo haynin. Dowladda Kenya ayaa marar badan ku hanjbatay in ay rari doonto qaxootiga ku jira xerooyiinka Dadab,balse arrintaasi wali ma aysan suuragalin." https://www.bbc.com/somali/war-48708069 +entertainment Maxaa ninkan ku dhaliyay in uu xaflad aroos labaad ah u dhigo xaaskiisa? "Magaalada Petersburg ee dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay xaflad aroos oo aanay horay u arag Soomaalida, balse aanan ku cusbeyn bulshooyinka kale ee ku nool dalkaas. Nin Soomaali oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Cali iyo gabar u dhalatay dalka South African oo isqabay sagaal sano ayaa hadda markale dhigtay aroos iyagoo heysta carruur. Arrintaas ayaa noqtay mid ay siyaabo kala duwan uga hadlaan dad badan oo Soomaali ah, maadama aysan horay u arkin dad carruur heysta oo haddana dhiganaya xaflad aroos. Sannadkii 2008-dii ayey is barteen iyadoo xilligaas daneyneysay in ay Muslim noqoto, sida uu Xasan sheegay. ""Waxaan ku dhahay magaaladaas baan jooga iigu imow, diinta islaamkana waalagu barayaa"", ayuu ku yiri sida uu BBC Somali u sheegay. Xasan ayaa tilmaamay in xafladaan arooska ee ay hadda dhigteen ay tahay mid uu ku qancinayo xaaskiisa, maadama ay aragtay in dhaqanka Soomaalida ee aroosku muhiim u yahay. Ninkan Soomaalida ayaa sheegay in xaaskan uu mehersaday sannadkii 2008-dii, xilligaasina waysan xaflad aroos dhiganin, balse haatan uu u sameeyay aaskiisa. ""wadankan sidiisaba waxay yaqaanaan in ninka iyo gabadha ay isla joogaan, ka dibna aroos dhigtaan muddo ka dib marka ay lacag helaan"", ayuu yiri Xasan. ""Anaga ma ahayn sidooda oo kale; Marka hore waan is nikaaxsanay, waxaana ku wadahadalnay in aan aroos aanan dhiganeynin,"" ayuu hadalka ku sii daray. Xasan cabdi ayaa sheegay: ""Gabadha xaaskeyga, markii ay uurka yeelatay waxay marwalba niyadda ku heysay aroos in loo dhigo, oo qalbiga ayay ku qabatay arrintaas, waxayna aragtay in gabdhaha Soomaalida aroos loo dhigo, waxaana ka ballan qaaday in aan aroos u dhigi doono, sidaa ayuuna arooska ku dhacay"". Wuxuu sababta ku sheegay in ay tahay in ""uusan qalbigeedi jebinin"", maadaama ay aragtay gabdho Soomaali ah oo aroos loo dhigayo. ""Masey ahaan ayey arrinta ku noqotay"". ""Dhaqaatiir badan ayaa arkay. Waxay igu dheheen 'haddii aad rabto in gabadhaan uu qalbigeeda dego, u samee waxa ay rabto', ka dib gabadha xaaskayga waan ka ballanqaaday in aan u sameynayo aroos"", ayuu yiri Xasan. ""Dadka oo dhan arrin ku cusub ayay ahayd. Qaar kood way ku faraxsanaayeen qaabka ay xafladda u dheceysay, kuwana waxay lahaayeen 'ma fiicno arrintaan. ""Balse waxaan ku dhahay aniga 'gabadha xaaskayga ah in aan qalbiga ka jebiyo ma rabo' sidii iyada ay ku qanceysay ayaan u sameeyay,"" ayuu sheegay Xasan oo xaaskiisa ay u dhalatay dalka Koonfur Afrika. Xasan wuxuu sheegay in markii hore uu caqabad kala kulmay qoyskiisa. ""Waalidka way isoo dhoweeyeen balse ragga ila dhashay ayaa ku kala aragti duwanaaday"". Wuxuu Xasan yiri: ""Alle ayaa ku mahadsan; hadda way la qabsadeen, si fiican ayeyna gabadha xaaskayga isku barteen wayna is fahmeen"". ""Waa gabar dhinac walba laga soo dhoweynayo hadda"", ayuu hadalka ku soo gebagebeeyay Xasan Cabdi Cali. ""Markii aan guursanayay aabahey wuu soo dhaweeyay, balse rag ila dhashay qaar kamid ah ayaa ka caga jiidayay, inkastoo hadda ay isfahmeen, xaaskeygana ay hadda aad isu fahmeen"", ayuu raaciyay. ""Qoyska gabadha way ku faraxsan yihii, sababtoo ah, badanaa ma dhacdo in nin shihseeye ah in uu sameeyo aroos ama xaflad labada qoys ay isugu imaanayaan"". Sida uu xasan xaqiijiyay, shacabkii magaalada degan ""aad ayey ugu farxeen""." https://www.bbc.com/somali/war-50979895 +health Nooc cusub oo fayraska korona oo laga helay Ingiriiska Waddamada reer galbeedka ayaa billaabay iney xayiraado cusub ku soo rogaan dalka UK si ay uga gaashaantaan nooca cusub ee fayraska korona ee dalkaasi laga helay. Qaar ka mid ah waddamada reer Yurub waxay joojiyeen dhammaan duullimaadyadi Ingisriiska ka imanayey. Nooc cusub ee fayraska korona ayaa si degdeg ah ugu faafay magaalada London iyo Koonfurta-Bari England Ra'isal wasaaraha Britain Boris Johnson wuxuu sabtidi ku dhawaaqay xayiraado afar heer oo kala duwan maraya oo laga hirgelinayo goobaha nooca cusub ee fayraska korona laga helay, wuxuuna gabi ahaanba uu meesha ka saaray nasashadi iyo kulammadi ay malaayiinta qof ee u dabbaal degaya ciidda miilaadiga ay sameynayeen . Khubarada sare ee caafimaadka waxay sheegeen inaan la hayn caddeymo muujinaya nooca fayraska korona ee cusub inuu yahay mid ay khatartiisu badan tahay, ama si ka duwan ula falgalayo tallaallada haatan socdo. Balse waxay khubaradu sheegeen iney ogaadeen noocani cusub ee fayraska korona inuu yahay mid 70% la iisu gudbin karo. Wasiirka Caafimaadka Matt Hancock wuxuu sheegay culeyskan cusub ee soo kordhay inuu yahay 'mid faraha ka baxay', waxaanna ka shaqeyneynaa sidi aan u xakameyn lahayan, isaga oo qirtay iney tahay dhibaata aad u weyn oo si cad u muujinaya sanadkan inuu yahay mid si xun ku dhammaaday. Dalka Ingiriirska marka uu fayraskan cusub uu ku dhawaaqay sabtidii wixi ka dambeeyey, waddama reer Yurub qaarkood ayaa Nooc cusub oo fayraska korona oo laga helay Ingiriiska xayiraad ku soo rogay dhammaan rakaabka UK ka yimaadda ee diyaaradaha ku yimaadda. Netherlad waxay xayirtay dhammaan rdadka ka soo socdala UK ku imanaya diyaaradaha ilaa iyo 1-da January iney dalkeeda soo gelin. Dowladda Netherland waxay sheegtay iney tallaabbadaasi u qaadday si loo yareeyo kahatarta ka iman karta fayraskan cusub tallaabba kasta oo khatarta fayraska cusub ka dhlan karta lagu yareyn karana la qaadayo. Dalka Netherland Axaddi oo keli ah laga diiwaan geliyey 13,000 oo kiis oo cusub inkasta xayiraadda cusub lagu soo rogay 14-kii December. Sida oo kale dalalka Faransiiska, Ireland, Jarmalka, Balgium Talyaaniga, Australiya, Turkiga iyo Swizerland ayaa sida oo kale xayiraado la mid ah ku soo rogay dullimaadyada Ingiriiska ka yimaadda, iyada oo waddamadaasi qaarkood ay xayiraaddooda saameyneyso bad iyo barri rakaabka ku yimaadda. Golaha midowga Yurub ayaa maanta oo isniin ah yeelanaya shir lagu qiimeynaya tallaabbooyinka ay waddamada Yurub ay ka qaateen fayraskan cusub ee corona ee laga helay dalka Ingiriiska. https://www.bbc.com/somali/war-55390671 +technology Carruurta UK oo la ogaaday khatarta uu ku hayo telefoonka Madaxa shirkadda telefoonnada Samsung ee UK ayaa sheegay in gabadhiisa uu telefoonkeedii u horreeyay u iibiyay markii ay 11 jir ahayd. “Shakhsiyan, ma jecli in carruurta da’da yar la siiyo telefoon. Waalidiinta ayaa leh go’aanka xilliga ay carruurtooda telefoon u iibinayaan,” ayuu yiri James Kitto. Waxa uu intaa raaciyay in da‘ kasta oo qofka uu ku qaato telefoonka, arrinta muhiimka ah ay tahay in ay ka badbaadaan xumaanta iyo dhibaatada taalla internet-ka. Xafiiska tayada waxbarashada ee UK ayaa sheegay in qaar badan oo kamid ah carruurta dhigata dugsiyada hoose ee dalkaas ay haystaan telefoonnada casriga ah. Carruur ay da’doodu tahay 9 jir ayaa telefoonnadooda ka daawada muuqaallada galmada, sida lagu ogaaday daraasad laga sameeyay UK. Kitto ayaa sheegay in xilligan la joogo ay muhiim tahay in carruurta iyo dadka kale ay ka digtoonaadaan khatarta uga iman karta telefoonnada casriga ah ee internet-ka leh. “Go’aan kasta oo aad gaarta ama u aad mid aan u gaartay carruurtaada, waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo in macluumaadka laga helayo internet-ka ay yihiin kuwo badqab leh,” ayuu sheegay Kitto oo u warramay BBC-da. Dhammaan shirkadaha bixiya adeegyada telefoonnada ayaa leh hannaan uu waalidka ku xakameyn karo waxa ay daawadaan carruurtiisa, sida uu sheegay xafiiska isgaarsiinta, kaasoo uga digay carruurta in ay sawirro xasaasi ah ku wadaagaan baraha bulshada. Daraasad ay samaysay shirkadda Childwise ayaa muujinaysa in 75% carruurta da’doodu tahay 9 jir iyo 10 jir ee UK ay heli karaan telefoon. 60% carruurtaas ayaa leh telefoonno u gaar ah, halka inta soo hartayna ay isticmaalaan kuwa qoysaskooda. Isla warbixintaas ayaa lagu sheegay in 8% carruurta da’doodu tahay 5 jir iyo 6 jir ay leeyihiin telefoonno u gaar ah, halka tiro intaa la egna ay isticmaalaan telefoonnada ehelka. Madaxa xafiiska tayada waxbarashada, Amanda Spielman, ayaa bishii hore sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay carruurta da’da yar ee sida xakameyn la’aanta ah u isticmaala internet-ka. Waxa ay sheegtay in wax badan laga qaban karo ka hortagga in carruurta ay daawadaan filimada anshax xumada ah. Ra’yi ururin laga sameeyay dhalinyaro da’dooda u dhexayso 16 ilaa 21 jir oo la weydiiiyay markii ugu horreysay ee ay daawadaan muuqaal anshax xumo ah, ayaa waxaa lagu ogaaday in kala bar kamid ah dhalinyaradaas ay xumaanta arkeen markii ay jireen 13. Walaaca jira ayaa ah in tiradaas ay hadda aad u sarayso, maadaama carruur badan ay heli karaan telefoonnada casriga ah ee internet-ka ku shaqeeya. Ururada qaabilsan difaaca carruurta ayaa sheegay in xogtaas ay muujinayso khatarta ay wajahayaan da’ yarta UK. https://www.bbc.com/somali/articles/cer293zvrjgo +health Dhakhaatiirta ilkaha oo ka digay arrin ay sameeyaan dadka qaar "Dhakhaatiirta ku takhasusay ilkaha ayaa BBC u sheegay in qalabka caagga ah ay dadka ilkaha ku xirtaan uu saameyn ku reebo ilkahooda, qalabkan ayaa laga codsadaa Online-ka. Mid kamid ah dadka isticmaala qalabka ilka-gashiga ayaa sheegay in ilkihiisa ay nuglaadeen isla markaana uu awoodi waayay in uu cuno tufaaxa. Smile Direct Club, oo ah shirkadda ugu weyn ee iibisa qalabkan, ayaa sheegaysa in uu toosiyo ilkaha si ka dhakhso badan isla markaana ka qiimo jaban birihii ilkaha la gashan jiray. Shirkadda waxay intaa raacisay in dad badan oo adeegsaday qalabka ay ku guuleysteen. Laakiin dhakhaatiirta ilkaha qaarkood iyo dhakhaatiirta lafaha waxay aaminsan yihiin in macaamiisha waxa loogu yeero daryeelka ilkaha aysan ka warqabin waxyeellada ay keeni karaan birahan loo yaqaanno aligners haddii uusan qofka ku rakibin dhakhtar aqoon u leh arrintaas. Jamie, oo ah aabbe kasoo jeeda Glasgow, ayaa u tagay dhinaca Smile Direct Club (SDC) ka dib markii laga soo xigtay uu ilkihiisa in uu toosiyo uu ku bixiyay £4,000-£6,000 oo lacagta giniga Ingiriiska ah. Shirkadda orthodontics-ka ee adeegyadeeda ku iibisa Online-ka fadhigeeduna yahay Maraykanka ayaa bixinaysay qalabka ilkaha la gashto ee cad, waxayna dadka ka qaadeysa ailaa £1,800 lacagta giniga Ingiriiska ah iyada oo aan loo baahnayn in la arko dhakhtar ku takhasusay. Sida laga soo xigtay xarunta Smile Direct Club, waxay sare u qaadeen helitaanka qalabka daryeelayo ilkaha iyo afka ""waxaana u suurtogashay inay dawo siiyaan in ka badan 1.8 milyan oo qof, iyadoo dadka adeegsaday aysan wax dhibaato kala kulmin"". Laakiin Jamie hadda waxa uu sheegay in uusan mar dambe adeegsan doonin.\n""Ilkaheyga xitaa kuma ruugi karo tufaaxa sababtoo ah uma maleynayo in ilkheyga ay sidii hore ka xoog badan yihiin,"" ayuu yiri. Kahor inta uusan bilaabin daawaynta waxaa loo soo diray xirmo qalabka ah si uu ugu qurxiyo ilkihiisa. Laakiin lix bilood ka dib, wuxuu barta Reddit kusoo qoray: ""Mid kamid ah dhoolasheyda ayaa marooray, ciridkeyga qaab kale ayuu u ekaaday waxay u muuqatay in qalabka uu xoqay ilkaheyga, waxaana i xanuunay ciridka"". Sida caadiga ah waxay aheyd in qalabka loogu talagalay in ilkaha la gashto ay dhakhatiir takhasus u leh dadka u geliyaan, dhakhaatiirtana waxay eegaan caafimaadka unugyada adag iyo kuwa jilicsan ee afka, ilkaha iyo cirridka, iyo haddii xididdada ilkuhu ay sii wadi karaan dhaqdhaqaaqa, waa qaar ka mid ah arrimaha ay dhakhaatiirta ilkuhu tixgeliyaan, waxayna adeegsadaan raajito. Marka qof bilaabo xirashada biraha ilkaha, ballamaha joogtada ah ee uu la sameynayo dhakhaatiirta waxay u oggolaanayaan in lala socdo xaaladda caafimaad ee qofka. Dr. Victoria Sampson oo ah dhakhtarad ilkaha qaabilsan ayaa sheegaysa in dadka isticmaala qalabkan ay dhayalsan karaan dhibataada ka dhalan karta. haddii baaritaan lagu sameynayo ciridka iyo ilkaha, dadka waxay halis u yihiin inay lumiyaan qaar ka mid ah ilkahooda. Waxay sheegtay in ay daweysay qof iligga hore uu ka dhacay ka dib markii uu adeegsaday qalabkan ilkaha la gashto ee laga dalbado Online-ka sababta qofkaas si deg deg ah ayuu ilkahiisa uga bixiyay qalabka. Waxay intaa raacisay in xididdada ilkaha ay ku fadhiyaan ay aad u gaaban yihiin sidaa darteed uma adkeysan karaan cadaadiska qalabkan." https://www.bbc.com/somali/articles/cxrnwlzywqpo +health Dowlad magdhow siinaysa ehellada dadka u geeriyooda Covid-19 "Maxkamadda Sare ee dalka Hindiya ayaa taageertay go'aanka dowladda ee ku aaddan in $-674 oo magdhow ah lasiinayo qoys kasta oo qaf ka mid ahi u dhinto covid-19. Go'aanka maxkamadda ayaa daba socda codsi ay soo jeediyeen qareenno doonayay in magdhow la siiyo qoysaska iyadoo la raacayo xeerarka maareynta musiibooyinka ee Hindiya u yaalla. Hindiya ayaa ilaa hadda diiwaangelisay in ka badan 447,000 qof oo u dhintey Covid-19. Balse khubaradu waxay rumeysan yihiin in tirada dhabta ah ee dadka u dhintay cudurka ay ka badantahay tan la shaaciyay 10 jibaar. Garsoore magaciisa lagu soo koobay Shah ayaa Isniintii sheegay in ""qaraabada ugu dhow qofka dhintay"" ay heli doonaan magdhow muddo bil gudaheed ah marka la xareeyo arjiga dalbashada magdhowgaas. Bishii Juun, ayaa qareennadu waxay maxkamadda u gudbiyeen codsigaan, iyagoo markaa ka dalbaday faragelin ku saabsan arrinta magdhowga qoysaska ehelladoodu u dhintaan fayraska karona si aan loo marin habaabin. Qareennada ayaa sheegaya in tan iyo markii Covid-19 lagu tilmaamay gudaha dalka Hindiya inuu yahay ""musiibo"" sida uu dhigayo Sharciga Maareynta Musiibooyinka ee dalka, ay xaq u leeyihiin qoysaska dadkooda ku waayay musiibadaan in ay hellaan magdhow. Sharciga waxaa ku jira tallaabooyin lagu yareynayo dhibaatooyinka soo gaara qoysaska sida dhimashada, dhaawaca iyo burbur hantiyeed,wuxuuna muujinayaa in dadkaasi kabid iyo garab istaag u baahanyihiin.Waxaa kale oo uu sharcigu dhigayaa in dowladdu ay siiso qoysaska lacag 40,000 oo ah lacagta dalkaas. Garyaqaan Gaurav Kumar Bansal, oo ka mid ah qareennadii gudbiyay codsigaan ayaa BBC -da u sheegay: ""Waxaan ognahay in dowladdu ay lacag badan ku bixisay maareynta musiibooyinka, balse waxaan kaloo aaminsanahay inay ahayd inay qoys walba siiso 40,000 rupees. sida uu sharcigu qabo"". Sida laga soo xigtay dowladda federaalka, magdhow ayaa la siin doonaa qoysaska dhibbanayaasha ama qaraabadooda, haddii lagu xaqiijiyo shahaado caafimaad in sababta dhimashadu ay tahay Covid-19, sida waafaqsan xeerarka quseeya. Lacagta waxaa laga bixinyaa miisaaniyadda dowladda gobolka. Balse ugu yaraan laba gobol oo kala ah Kerala iyo Rajasthan, ayaa sheegay inay ku adkaan doonto inay helaan lacag magdhow ah, waxayna rumaysan yihiin in dowladda federaalku ay ahayd inay bixiso lacagtaas. Madaxa dawladda gobolka Rajasthan, Gunvind Singh Gottasara, oo warbaahinta gudaha la hadlayay ayaa sidaan ku dooday ""Dawladda federaalku waxay lacag ku bixinaysaa kiisaska daadadka iyo duufaannada, maxaysan liiska ugu darin Covid-19?""." https://www.bbc.com/somali/war-58810876 +religion Wadaadka lacagaha madax furashada u kala gudbiya burcadda iyo dadka "Waxaa soo ifbaxay wadaad caan ah oo Muslim ah oo si iskiis ah isugu xilqaamay inuu u kala dabqaado kooxaha wax afdubta ee madax-furashada qaata ee waqooyiga Nigeria. Muddooyiinkii u dambeeyay waqooyiga Nigeria waxaa lagu afduubay 800 oo arday ah. Sheekh Axmad Gumi, oo ahaa kabtankii hore ee ciidamada Nigeria, ayaa ku lug lahaa illaa 27 ardey oo arbacadii la siidaayay kuwaas oo bishii Maarso laga afduubtay deegaanka kolaj ku yaalla gobolka Kaduna. Waalidiintii carruurta la soo daayay, waxay booqasho mahadcelin ah ugu tageen, wuxuuna u ballanqaaday in la soo dayn doono oo aan la dili doonin 16 arday oo kale oo bishi April laga afduubtay jaamacadda Greenfield ee gobolka Kaduna. Burcaddii ardaydaasi afduubatay waxay horey u dileen 5 ka mid ah ardaydaasi halka mid kalena ay siidaayeen ka dib markii la bixiyay lacag madax-furasho ah. Burcadda ayaa ku hanjabtay in ay dili doonaan ardayda kale ee ay afduubka u haystaan haddii aan la bixin madaxfurasho ilaa arbacada, balse sheekha ayaa sheegay in uu arrintan kala hadlay. Gumi ayaa markii ugu horeysay soo caanbaxay bishii Febraayo, ka dib markii uu safar loogu magac daray socdaalka nabada uu ku aaday meel ay koox burcad ah ku dhuumaaleysanaysay oo ah dhulka howdka ee ku yaal gobolka Zamfara. Tan iyo xilligaas, wuxuu booqashooyin kale oo tan la mid ah ku tagay gobollada Katsina, Kaduna iyo Niger, isagoo ku dhiirrigelinaya burcadda inay joojiyaan weerarrada ay geysanayaan. Inkasta oo uu ku jiro doorkiisa dhexdhexaadinta, waxaa muran dhaliyay in uu u ololeeyay in ""cafiska"" lo fidiyo kooxaha dambiilayaasha ah ee mas'uulka ka ah mowjadihii afduubyada ee dhowaan ka dhacay waqooyiga Nigeria. ""Haddii waddanku uu cafin karo kuwa afgambiga soo maleegay oo galay dambi khiyaano qaran xilligii maamulkii militariga, burcaddu waxay sidoo kale ku raaxeysan karaan cafis la mid ah, xitaa si ka wanaagsan xukunka dimoqraadiga ah,"" ayuu yiri. Munaasabad kale, wuxuu ka yiri: ""Afduubka carruurta iskuulka, waa xumaan yar, sababtoo ah aakhirka, waad gorgortami kartaan haddana burcadu aad ayey uga taxadaraan nolosha bina'aadamka, Kahor hadafka burcadu wuxuu ahaa in ay galaan magaalo dadkana ay laayaan."" Aragtida noocan oo kale ah ee ku saabsan burcad afduubka u geysatay boqolaal rayid ah, qaarna ayba dileen - dad badan ayaa u arka inuu naxariis u muujinayo dembilayaasha, taas oo sii kicineysa carada iyo kala qeybsanaanta xagga diinta, gobolada iyo qowmiyadaha dalkaasi. Bishii Febraayo, muuqaal si wayn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Gumi oo jeedinaya hadallo uu ku sheegay in askarta aan Muslimka ahayn ee reer Nigeria ay masuul ka ahaayeen amni-darrada. Waxaa canbaareeyay ururka saamaynta badan leh ee masiixiyiinta ee loo garanayo (CAN), taasi oo sii xoojisay xiisadaha dhanka diinta ah iyo kuwa qowmiyadaha ee muddada dheer soo taagnaa, halka ciidanka ay dhankooda sheegeen inuu ""si ula kac ah u doonayay inuu liido ciidamada Nigeria uuna muuqaal xun ka bixiyay."" Gumi wuxuu sheegay in hadalkiisa si khaldan loo fahmay, fariintiisa dhabta ahna si khaldan loo fasiray. Dedaallada dhexdhexaadinta ee Gumi ayaa sidoo kale ka dhigtay inuu bartilmaameed u noqdo kooxda xagjirka ah ee Boko Haram, oo hoggaamiyahooda Abubakar Shekau uu soo saaray farriimo uu ugu hanjabayo wadaadka. Wuxuu sidoo kale dhalleeceeyay sida ""xun"" ee dhibaatada ammaanka uu u maareeyay madaxweyne Muhammadu Buhari, taas oo iyana dhalisay jawaab celin ka timaadda maamulka, siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga talada haya ee APC, iyo kooxaha diinta. Sheekha wuxuu sidoo kale beeniyay inuu ka tirsan yahay ururo siyaasadeed. Si kastaba ha noqotee, 2019 waxaa lagu shabadeeyay inuu xubin ka yahay xisbiga mucaaradka ah ee PDP, ka dib markii uu soo baxay isaga oo la sawiran Atiku Abubakar, oo xiligaa ahaa musharaxii madaxwayanimada xisbiga PDP. Tan iyo bilowgii sannadkan, Sheekh Gumi wuxuu la kulmay dhowr hoggaamiye burcad ah si ""uu uga waaniyo xagjirnimadooda"". Bishii Febraayo wuxuu la kulmay hoggaamiyaha koox burcad ah oo afduubtay 42 qof, oo ay ku jiraan arday. Muddo yar ka dib waxaa la siidaayay dadka afduubka loo haystay. Ka dib afduubkii illaa 20 arday oo ka tirsan Jaamacadda Greenfield ee gobolka Kaduna, bishii Abriil, Gumi ayaa lagu sheegay inuu ku boorriyey Bangiga Dhexe ee Nigeria in kooxda afduubka gaystay la siiyo madax furashada ay dalbadeen oo gaareysa $260,000 iyo 10 ah mootooyin nooca Honda. Lacagtaasi madax-furashada ah wali lama bixin, waxayna burcadda wali gacanta ku haysaa ardeydii ay afduubteen. Gumi ayaa is difaacay isaga oo sheegay: ""ma ahi qofkii ugu horreeyay ee la wadaxaajooda burcadda, mana booqan burcadan aniga oo aysan ila soconin saraakiisha dowladda.""" https://www.bbc.com/somali/war-57055285 +health Maxay tahay halista caafimaad ee la soo daristay Trump, tolow ma ka kici doonaa? "Donald Trump waxa ku kulmay dhawr qodob oo halis gelin kara, waxaana ka mid ah da'diisa, miisaanka jidhkiisa iyo in uu yahay lab, arimahaas oo dhamaantood yareeya fursadaha qofku kaga kici karo fayraska korona. Waa 74 jir cabbirka isku dheeli tirka dhererkiisa iyo miisaanka jidhkiisa ee BMI lagu cabiraana waa 30, taas oo ah in ah inuu aad u buuran yahay. Da'da weyn iyo cudurka oo qofka aad ugu xumaada xidhiidh baa ka dhexeeya, taas oo keeni karta in qofka isbitaal la dhigo ama uba dhinto. ""Laakiin dadka cudurku ku dhaco badankoodu way ka kacaan"" ayuu yidhi Dr Bharat Pankhania oo ka tirsan Jaamacadda Exeter oo BBC-da la hadlay. Trump oo laga helay Fayraska Korona Hadalladii isburinayey ee Trump ka yidhi fayraska korona Dulucda 100 daraasadood oo hore oo lagu sameeyey xog laga soo ururiyey daafaha dunida, ayaa muujiyey halista caruurta iyo dadka da' dhexaadka ah ay fayraska ugu jiraan ay yar tahay. Hase yeeshee da'da 75 jirka ayaa lagu qiyaasay in 25 kii qof ee fayarasku ku dhaco in midkood u dhinto. Waxaanay halistaasi sii korodhaa oo noqotaa todobaadii qof ba mid, dadka da'doodu tahay 85 jir iyo afartii qof ba mid inta 90 jirka ah. Xaalado arintaas oo kale ah ayey daraasad ku ogaatay xarunta la dagaalanka iyo xakamaynta cudurrada Maraykanka ee CDC. Waxay sheegtay in sideed ka mid ah tobankii qof ee fayraska karona ugu geeriyooday dalka ay sideed da'doodu ka waynayd 65 jir. Dadka ku jira da'daa Trump ayaa shan goor uga halis badan hadii cudurku ku dhaco in isbitaal la dhigo, sagaashan goorna waxay halis ugu jiraan in ay u dhintaan marka la barbar dhigo dadka 20 jir ka ah. Ma cadda in sababtu tahay wax toos ugu xidhan da'da sida in uu daciifo difaaca jidhku markasta oo qofku weynaadoba ama in da'da qudheedu ba ay saami taban isku yihiin cudurrada. ""Da'da waxa sidoo kale lala xidhiidhiyaa cudurada wadnaha, kuwa sambabada, macaanka nooca la yidhaa typ 2 markaa way adagtahay in la garto in sababtu tahay da'da qudheeda ama xanuunada kale ee haya dadkaas da'da ah"" ayuu yidhi Prof Ravindra Gupta oo ka tirsan Jaamacadda Cambridge. Qofka oo aad u cayila ayaa iyadna ah sabab kale oo lala xidhiidhiyo cudurro kale oo halis ah. Daraasad ay samaysay waaxda caafimaadka guud ee England ayaa lagu ogaaday in miisaanka badan ee qofka fuulaa uu kordhiyo halista qofka ay ugu dhici karaan cudurro. Hadal hayn ka dhalatay ereyga ""InshAllah "" ee uu isticmaalay Joe Biden Laakiin waxa kale oo iyadna jirta in cayilka badan isna lala xidhiidhiyo dhibaatooyin badan oo caafimaad oo ay ka mid yihiin macaanka nooca loo yaqaan typt 2 iyo wadne xanuunku. Way adag tahay in la saadaaliyo saamaynta fayraskani ku yeelan karo shakhsi ahaan Trump. Xog kasta oo laga hayo fayraskan korona waa mid guud oo la daraaseeyey laakiin ma aha mid lagu xaqiijin karo in sidaa ay noqonayso xaaladda madaxweynaha Maraykanku. Duruufaha caafimaad ee laba qof oo 74 jir ah ayaa waxyaabo badan ku kala duwan, waxaana sidoo kale farqiga u dhexeeya sii muujinayaa waa xanuunnada kale ee ay qabaan oo qaabayn kara sida ay uga bogsan karaan fayraska karona. Ilaa haatan lama oga in Donald Trump astaamahaas oo dhan uu leeyahay. ""In da'diisu tahay xiligii dadku halista ugu badan ugu jireen fayraska macnaheedu maaha in uu halis geli karo ama u dhiman karo cudurka"" ayey tidhi Dr Nathalie McDermott oo ka tirsan Jaamacadda Kings College London. Waxaanay intaa ku dartay "" ku darsoo waa madaxweynihii Maraykanka oo waxa uu helayaa daryeelka caafimaad ee ugu fiican dunida hadii uu yara xanuunsado ba""." https://www.bbc.com/somali/54385834 +politics Rabshadihii Capitol: Trump oo digniin kasoo saaray xil ka qaadista loo qalqaalinayo "Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in khudbaddii uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay, ka hor rabshadihii Capitol ee dhimashada sababay, ay ahayd mid ""gabi ahaanba sax ahayd"". Mr Trump ayaa xilligaas taageerayaashiisa ka dalbaday in ay mudaharaad ku aadaan xarunta golaha Wakiillada ee Congress-ka. Hase yeeshee wuxuu difaacay hadalladiisii, isagoo dhanka kalena ""wax fool xun"" ku tilmaamay dadaallada ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee Congress-ka ugu jiraan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha maadaama uu qalalaase kiciyay. Wuxuu Trump ka digay in arrintaasi ay sababi karto cadho aad u xoog badan. Aalka Wakiillada ayaa lagu wadaa in ay maalinta Arbacada ee barri ah u codeeyaan qodobka dastuurka ee xil ka qaadista loogu sameynayo Trump. ""Waxay ila tahay in [howsha xil ka qaadista] ay sababeyso cadho xad dhaaf ah oo ka dhan doonta waddankeenna. Anigu ma doonayo qalalaase,"" ayuu yidhi Trump. Wuxuu madaxweynaha xilkiisu sii dhammaanayo hadalkan jeediyay xilli uu maanta ka sii baxayay Aqalka Cad, isagoo ku sii socday gobolka Texas ee darbiga xadka laga dhisayo. Donald Trump ayaa xilka ka dagi doona 20-ka bishan January, marka xafiiska loo dhaariyo Joe Biden, oo ah madaxweynaha la doortay. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence ayaa cadaadis xoog leh lagu saarayaa in uu codsado sidii xafiiska looga eryi lahaa Trump, markaas kaddibna uu isagu ku sime sii ahaado inta laga dhaarinayo Mr Biden. Xildhibaannada Congress-ka ayaa maanta u codeeyay in Mr Pence uu codsado xil ka qaadista Trump. Laakiin waxay wararku sheegayaan in Mike Pence uusan mowqifkaas taageersaneyn, tallaabana u qaadi doonin in sidii xilka looga qaadi lahaa madaxweynaha ay isku xisbiga kasoo jeedaan. Wax ka baddalka Dastuurka Mareykanka ee 25-aad wuxuu fasaxayaa in madaxweyne ku xigeenku uu noqdo ku simaha madaxweynaha marka uusan Madaxweynuhu sii wadi karin xilka iyo waajibaadka, haddii tusaale ahaan qofka madaxweynaha ah ay soo wajahaan xanuunno dhinaca dhimirka ah. Qodobka dastuurka ee xoogga la saari doono wuxuu dhigayaa in madaxweyne ku xigeenka iyo inta badan golaha wasiirradu ay isku raacaan in madaxweynaha uusan sii gudan karin waajibaadkiisa. Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wasiirradu waxay markaas u baahnaan doonaan in ay warqado u diraan afhayeennada Congress-ka iyo Senate-ka, haddii codsigooda la ansixiyana wuxuu Mike Pence si rasmi ah u noqonayaa madaxweynaha Ku Meel Gaarka ah. Madaxweynaha qudhiisu wuxuu heystaa fursad uu ku qoro warqad jawaab ah, haddii uu dood qabana waxay arrintu tageysaa in ay go'aan soo saaraan golaha wakiillada ee Congress-ka. Haddii ay Congress-ka iyo Senate-ka cod u qaadayaan soo saariska go'aan waxay u baahan yihiin cidad gaaraya saddex meelood labo meel." https://www.bbc.com/somali/war-55637793 +health Shan faa’iido uu maraqu u leeyahay caafimaadka Maraqa ayaa ah mid caan ka ah maqaayadaha iyo xaafadaha Soomaalida, wuxuu ka mid yahay cuntooyinka maalinlaha ah. Maraqa waxaa inta badan laga sameeyay lafaha ama hilib si fiican loo kariyay gaar ahaan kuwa lo'da , ariga, digaagga ama idaha. Soomaalida qaar maraqa waxay u adeegsadaan caafimaad ahaan gaar ahaan marka uu qofku hergebka ku dhaco. Maraqa Maraqa laga soo saaro lafaha la kariyo waxaa ku jira borotiin, waqti badan ayaa lafaha lagu kariyaa si loo helo maraq tayo leh, waxaana laga soo saaraa nafaqooyinka ku dhex jira haddii uu ahaan lahaa dhuuxa. Maraqa wuu sahlan yahay in la sameeyo, heerka nafaqada wuu ku kala duwan yahay, waxay ku xiran tahay lafta la adeegsaday iyo qaabka loo kariyay ama waxa lagu daray maraqa. Maraqa ugu wanaagsan waxaa laga helaa lugaha iyo mijimaha xoolaha, si loo hagaajiyo dhadhanka, waxaa lagu daraa sida liin dhanaan, khudaar, geedo dhaqameedka iyo badar kale. Wuxuu ka hortagaa gabowga Maraqa waxaa ku jiraa maaddo la yiraahdo collagen- oo uu ku dhisan yahay maqaarka, lafaha iyo carjawyada, marka la kariyo waxaa burbura maaddadaas oo isku baddasha maaddo kale oo la yiraahdo gelatin iyo kuwa kale oo ay kamid yihiin amino acids-kuwaas oo xoojin kara caafimaadka. Maraqa wuxuu kordhiyaa heerarka maaddada amino acids glycine iyo proline, tijaabooyin caafimaad oo la sameeyay ayaa la ogaaday in adeegsiga maaddada collagen uu ka hortago fuuq baxa , dabacsanaanta iyo baabi'inta muuqaalka laalaabyada maqaarka bini'aadamka. Maaddada Collagen ee ku jirta maraqa waxay u fiican tahay caafimaadka haweenka uu ka go'ay dhiigga caadada iyo ragga da'da ah. Maraqa wuxuu u fiican yahay dheefshiidka iyo mindhicirada Gelatin waa walxo borotiin ah oo inta badan laga helo maraqa, waxay qofka ka caawisaa dheefshiidka. Cilmibaaris lagu sameeyay xoolaha waxaa lagu ogaaday in maaddada kale ee amino acids ee laga helo maraqa lagu daweyn karo cudurrada mindhicirrada, inkasta oo loo baahan yahay in cilmibaarsi dheeraad ah lagu sameeyo arrintani. Maraqa wuxuu caawiyaa shaqada difaaca jirka Maraqa wuxuu ka qeyb qaataa xoojinta caafimaadka mindhicirrada, waana meesha ugu horreysa ee qeybta ka ah difaaca jirkeena. tusaale ahaan haddii mindhicirada ay dhibaato soo gaarto waxay arrintani wiiqi kartaa shaqada difaaca jirka, maadada amino acids ee laga helo maraqa ayaa ka hortaggi kartaa dhibaatadaas. Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa muujineysa in maadadan ku jirta maraqa ay caawin karto bukaanada la daalaa dhacayo xanuunnada mindhicirrada, waxay xoojin kartaa difaaca mindhicarrada. Wuxuu xoojiyaa caafimaadka kala goyska jirka Cilmibaarisyo la sameeyay waxay muujinayaan in mid kamid ah maaddooyinka laga helo maraqa ee collagen gaar ahaan maraqa digaaga wuxuu waxtar u leeyahay daweynta bukaannada la daalaa dhacayo xanuunnada ku dhaca kala goysyada jirka. Sidoo kale maaddada kale ee Gelatin ee ku jirta maraqa waxa kale oo laga yaabaa inay faa'iido u leedahay ka-hortagga boogaha iyo hagaajinta unugyada iyo seedaha. Maraqa wuxuu qofka ka caawiyaa hurdada Maaddooyinka amino acid iyo glycine ee laga helo maraqa waxay waxtar u leeyihiin caafimaadka banii'aadanka gaar ahaan in qofka in uu helo hurdo. Daraasad la sameeyay ayaa muujineysaa in maaddooyinkaas ay horseedaan in qofka u helo hurdo fiicaan, waxay ka qeyb qaataan in qofka uu degganaan jir ahaaneed uu dareemo si uu isugu diyaariyo hurdada. Weli waxaa loo baahan yahay in cimi baaris dheeraad ah lagu sameeyo arrintan, maaddama ay yar yihiin caddeymaha ku aaddan faa'iidaa caafimaad ee laga helo maraqa kala duwan. https://www.bbc.com/somali/articles/c03ndz5p3wjo +politics USS Bonhomme Richard: Askari Maraykan ah oo loo haysto inuu dab qabadsiiyay markab dagaal "Ciidanka badda Maraykanka ayaa dacwad ka gudbiyay askari loo haysto in sanadkii 2020 uu dab qabadsiiyay markab dagaal oo lagu magacaabo USS Bonhomme Richard. Askariga oo aan magaciisa la shaacin ayaa loo haystaa in uu dab qabadsiiyay gudaha markabka, kaasoo khasaaro baahsan dhaliyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidanka badda oo lagu magacaabo Sean Robertson. Markabka oo xilliga uu dabka ka kacayay ku xirnaa dekadda San Diego, California ayaa demintiisa waxa ay qaadatay muddo afar maalmood ah. Ugu yaraan 40 askari iyo 23 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay dabkaas. War qoraal ah oo uu soo saaray afhaayeenka ayaa lagu sheegay in askariga ""uu xilligaas kamid ahaa shaqaalaha markabka Bonhomme Richard."" ""Caddeymaha la ururiyay inta uu socday baaritaanka ayaa ku filan in maxkamad lagu soo taago eedeysanaha iyadoo la raacayo hannaanka garsoorka milateriga,"" ayuu yiri afhayeenka. Markab dagaal oo la weeraray Markab kuwa dagaalka ah oo ay isku dhaceen markab kale Markab basaasidda qaabilsan oo Ruushka kaga dagay biyaha Turkiga Dabka ayaa markabka ka kacay 12-kii July 2020, waxaana hawgalka deminta dabka oo qaatay afar maalmood ka qeyb qaatay diyaaradaha ciidanka badda iyo doonyo biyo badan ku shubay markabka oo qiimo ahaan ku fadhiya kharash dhan hal bilyan oo dollar. Uurada ka kacday dabka ayaa xirtay hawada dekaddaas, waxaana uu dabka wiiqay birta adag ee laga sameeyay markabka awoodda badan. USS Bonhomme Richard oo culeyskiisu dhan yahay 40,000-tan ayaa la hawlgeliyay sanadkii 1998, waxaana uu kamid yahay maraakiibta dagaal ee tirada yar ee ay ka dul kici karaan diyaaradaha dagaalka ee F-35. Dabka ka dib, waxaa la go'aansaday in hawlgab laga dhigo markabka, maadaama uu kharash aad u badan ku baxayo dayactirkiisa." https://www.bbc.com/somali/war-58022442 +health Siddeed su`aalood oo ku saabsan nooca cusub ee fayraska laga helay UK "Faafitaanka xowliga ku socda ee nooca cusub ee coronavirus ayaa loo aaneeyay tallaabooyinka adag ee lagu soo rogay malaayiin qof oo ku nool England, Scotland iyo Wales, dalal kale ayaa iyaguna xayiraad safarka ah ku soo rogay UK. Sidaas darteed sidee ayuu uga soo gudbay mid aan jirin oo uu u noqday nooca fayras ee ugu badan ee ka jira England muddo bilooyin gudahood? La taliyeyaasha dowladda ee caabuqyada cusub ayaa kalsooni ""dhexdhexaad"" ah ku qaba in fayraskan uu ka faafitaan og yahay noocyada kale. Marxalad hore ayaa lagu jiraa waxaa jira hubanti la`aan iyo su`aalo badan oo aan laga jawaabin. Saddex shey oo is biirsaday ayaa sababay in noocan cusub ee fayraska ah uu soo jiito indhaha dunida: Si kastaba ma jirto xog buuxda. Waxaa jiri kara walaac laga qabo xayiraadaha cusub, balse waxaa la sheegay inay qeyb ka yihiin yareynta faafitaanka fayraska.. ""Tijaabada sheybaarka waa loo baahan yahay, balse ma dooneysaa inaad sugto toddobaadyo ama bilooyin [si aad u ogaato natiijada aadna u qaaddo tallaabooyin lagu xaddidayo faafitaanka]? Dabcan maya marka xaaladahan la eego,"" Prof Nick Loman, oo ka tirsan guddiga Covid-19 ee UK Consortium, ayaa sidaas yiri. Waxaa markii hore la ogaaday bishii September. Bishii November dhowr kiis oo London laga helay waxay ahaayeen nooca cusub. Kiisaskan ayaa kordhay bartamihii bishan. Waad arki kartaa sida uu noocan cusub ee fayraska u qabsaday natiijada baaritaanka xarumaha qaar sida Sheybaarka Milton Keynes Lighthouse. Khubarrada xisaabta ayaa ku howlan nambarrada faafitaanka noocyo cusub oo kala duwan si ay u ogaadaan heerka khatartan noocan cusub ee fayraska ah. Tirada uu Ra`iisul Wasaare Boris Johnson sheegay waxay ahayd in nooca cusub uu 70% ka faafid badan yahay coronavirus. Wuxuu sheegay inay tani kordhin karto nambarka R - oo muujinaya haddii uu faafitaanku korayo ama uu yaraanayo - qiyaastii 0.4. Nambarka 70% waxay ku jirtay hadal uu Jimcihii jeediyay Dr Erik Volz oo ka tirsan Kuleejka Imperial ee London. Intii uu hadlayay wuxuu yiri: ""Runtii waa xilli hore in la sheego… balse marka la eego waxaan aragnay ilaa iyo hadda si aad ah ayuu u kobcayaa, wuxuu ka korid og yahay [noocii hore] balse waa muhiim in isha lagu hayo. Ma jirto xog cad oo laga hayo xaddiga faafitaanka xanuunka. Saynisyahannada aan weli la shaacin baaritaankooda ayaa sheegay in tirada ay ka yar tahay 70%. Balse waxaa jirta su`aal ku saabsan haddii noocan cusub uu ka faafid badan kuwa kale. Waxaa loo maleynayaa in nooca cusub lagu arkay bukaan ku sugan UK ama uu ka yimid dal ay aad u hooseyso la socoshada isbeddellada coronavirus. Nooca cusub waxaa laga heli karaa gudaha UK, marka laga reebo Waqooyiga Ireland, balse wuxuu aad uga jiraa London, Koofur Bari iyo bariga England. Kiisaska qeybaha kale ee dalka weli lama ogaan. Xogta laga hayo Nextstrain, oo la socotay faafitaanka fayraska ayaa sheegtay in kiisaska laga helay Denmark iyo Australia ay ka yimaadeen UK. Netherlands ayaa sidoo kale laga soo sheegay kiisas nooca cusub ah. Nooc kan la mid ah oo laga soo sheegay Koofur Afrika ayaa waxay wadaagaan isbeddello isku mid ah, balse waxay u muuqataa inuusan la xiriirin nooca cusub ee laga helay Ingiriiska. Haa. Fayraska markii hore laga helay Wuhan, Shiinaha, lama mid aha kan aad ku arki doonto inta badan qeybaha kale ee dunida. Isbeddelka D614G ayaa lagu arkay Yurub bishii Febraayo wuxuuna noqday nooca fayras ee guud ahaan dunida qabsaday. Isbeddel kale oo lagu magacaabo A222V, ayaa ku faafay Yurub waxaana lala xiriiriyay fasaxa xagaaga ay dadka ugu aadeen Spain. Daraasad goor hore lagu sameeyay nooca cusub ayaa la soo bandhigay waxayna muujineysaa 17 isbeddello ah oo muhiim ah. Wuxuu isbeddel ku dhacay furaha uu fayrasku u adeegsado inuu ku furo albaabka unugyada jirkeenna. Isbeddel lagu magacaabp N501Y ayaa qeyb ka ah. Isbeddelka kale - baabi`inta H69/V70, oo qeyb ka mid ah isbeddelka fayraska meesha looga saarayo ayaa isagana la arkay dhowr jeer. Daraasad kale oo la sameeyay ayaa sheegeysa in baabi`inta ay waxyaabaha difaaca ee ku jira dhiigga kuwa ka badbaaday fayraska ay ka dhigeyso kuwo aan wax ka tareynin inay iska caabbiyaan fayraska. Nooca cusub waa mid si aan caadi ahayn u wata isbeddel weyn. Sharraxaadda ugu fiican ee laga bixin karo waa in fayraska lagu arkay bukaan uu hab difaaca jirkiisa yahay daciif kaas oo aan awoodin iska caabbinta fayraska. Taas beddelkeed jirkoodu wuxuu noqday meel uu fayrasku ku tarmo oo isbeddello uu ku sameeyo. Wax caddeymo ah looma hayo arrintaas, inkastoo ay u baahnaan doonto in lala socdo. Si kastaba, kororka isu gudbinta ayaa dhibaato ugu filan isbitaallada. Haddii nooca cusub uu ka dhigan yahay in dad badan si degdeg ah uu ugu dhacayo, taasi waxay keeni doontaa in dad badan ay u baahdaan isbitaal. Hadda la joogo haa ayaa la dhihi karaa. Dhammaan saddexda tallaal ee ugu horreeya waxaa ku jira maaddooyin iska caabbin kara fayraska haatan jira. Tallaalku wuxuu hab difaaca jirka u tababarayaa inuu weeraro qeybo kala duwan oo fayraska ah, xitaa haddii qeyb ka mid ah fayraska uu isbeddel ku yimid, weli tallaalku wuu shaqeynayaa. Balse khubarradu waxay sheegeen inay tahay mid walaaceeda leh haddii isbeddello badan ay ku yimaadaan fayraska. Tallaalku wuxuusan waxba tareynin marka fayrasku uu isbeddelo oo uu saameyn buuxda ku yeesho tallaalka isla markaana uu sii wato saameynta dadka. Tani waxay la mid noqoneysaa hargabka, oo tallaalladu ay u baahan yihiin in mar walba wax laga beddelo. Nasiib wanaag, tallaallada jira aad ayay u fududday in wax laga beddelo." https://www.bbc.com/somali/war-55409094 +politics Dembiile geeridiisa ka been sheegay oo isagoo nool la qabtay "Nin u dhashay dalka Mareykanka oo dhuumaaleysi ku jiray lana rumeysan yahay inuu geeridiisa ka been sheegay ayaa wajahaya musaafurin, kaddib markii laga soo qabtay isbitaal ku yaalla magaalada Glasgow ee dalka Scotland. Nicholas Rossi, oo 34 jir ah, oo uu doon doonayay booliiska adduunka ee Interpol ayaa loo heystaa kufsi ka dhacay Utah oo ka tirsan Mareykanka. Waxaa bishii December la dhigay Isbitaalka Queen Elizabeth isagoo laga daweynayay xanuunka Covid-19 - markaas oo uu adeegsanayay magaca Arthur Knight. Booliiska Scotland ayaa sheegay in ninkan la xiray maaddaama uu jiray codsi caalami ah oo lagu soo xirayo. Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in Rossi sidoo kale Nicholas Alahverdian looga yaqaanno Jasiiradda Rhode Island halkaas oo uu ku lug lahaa siyaasadda gudaha wuxuuna aad u cambaareyn jiray hannaanka daryeelka carruurta ee halkaas. Mr Rossi ayaa bishii December 2019 warbaahinta Mareykanka u sheegay inuu qabo kansar aan waxba laga qaban karin uuna heysto toddobaadyo uu ku noolaado. Dhowr warbaahin ayaa weriyay inuu geeriyooday bishii February 2020. Qoraal la soo dhigay online-ka ayaa waxaa lagu tilmaamay inuu yahay geesi u soo halgamay xuquuqda carruurta, waxaana lagu sheegay sidoo kale in dambaska meydkiisa lagu daadiyay badda. Rossi ayaa la rumeysan yahay in lagu arkay Isbitaalka QEUH ee Glasgow halkaas isaga oo uu ku xirnaa qalabka neefsashada. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay inaysan ka warheyn inuu ku jiro liiska cas ee Interpol. Booliiska Scotland ayaa 13 December ka soo qabtay isbitaalka. Maamulka magaalada ayaa sheegay in ninkan isagoo jooga isbitaalka uu kaga qeyb galay go'aanka dib loogu celinayo Mareykanka. Xeer Ilaaliyaha deegaanka Utah ayaa xaqiijiyay in ninkan gobolka looga yaqaanno Nicholas Rossi. Diwaanka maxkamadda ayaa caddeeyay in saraakiisha Utah ay baadi goobayeen Nocholas loona heysto eedyemo kufsi. Markii laga soo qabtay Glasgow wuxuu ka dhuumanayay dhowr gobol oo Mareykanka ku yaalla halkaas oo laga doon doonayay. Baaritaanno ay hay'ado kale sameeyeen ayaa lagu ogaaday in loo yaqaanno magacyada kala ah Nicholas Alahverdian, Nicholas Alahverdian Rossi, Nicholas Edward Rossi, Nicholas Alahverdian-Rossi, Nick Alan, Nicholas Brown, Arthur Brown iyo Arthur Knight. FBI-da Mareykanka ayaa sidoo kale warqad xarig ah u jartay ninkan oo sidoo kale loo heysto inuu dhacay aabbihiis soo korsaday isagoo ka qaatay kaararkiisa bankiga uuna geliyay deyn ka badan $200,000. Weriyaha CBS ee Jasiiradda Rhode, Tim White, ayaa BBC Scotland ku yiri: ""Qof walba wuu yaabay markii uu soo baxay warka ah inuu ku nool yahay Scotland. ""Waa sheeko aan la aamini karin. Dadku haatan shaqooyinkooda ayay soo dhaafayaan, waxay ka hadlayaan khibradda ay u leeyihiin iyo macaamilka dhex maray. ""Baarayaashu waxay tilmaamayaan beenaale daran. Wuxuu isticmaalaa dhowr magac. ""Booliiska ayaa sheegay inuu dhowr jeer beddelay sheekadiisa iyo cidda uu yahay. Booliiska ayaa isku dayay inay qabtaan. Booliiska maaha waxa qabtay laakiin. Waa Covid."" White ayaa sheegay in sanadkii 2020 haweeney sheeganeysa inay tahay xaaska Nicholas Alahverdian ay telefoon u dirtay dhowr warbaahin una sheegtay inuu u geeriyooday kansar waxayna ugu baaqday inay wax ka qoraan taariikh-nololeedkiisa. Si kastaba, halka uu u shaqeeyo weriyahan ayaa laga diiday in warkaa sla daabaco, maaddaama ay ka shakiyeen warkaas oo ay ku jireen hadallo aan is qabaneyn." https://www.bbc.com/somali/war-60008609 +entertainment Shah Rukh Khan oo ku tufay naxashka Lata Mangeshkar "Baraha Bulshada waxaa muran xooggan ka dhaliyey jilaaga caanka ah Shah Rukh Khan oo soo gaaray goob loogu duceynayey fannanaddi caanka ah ee Bollywood Lata Mangeshkar sida uu canduufta ugu tufay. Galabnimadi Axaddi, inta aan Lata Mangeshkar la aasin ka hor munaasabad lagu qabtay beer ku taallo Mumbai oo ay ka soo qayb galeen wasiirro iyo ra'isal wasaaraha dalkaasi Naredra Modi waxaa loogu duceynayey fannaanaddaasi dhimatay. Haddaba Jilaaga caanka ah Shah Rukh Khan iyo xoghayntiisa Pooja Dadlani ayaa goobta soo gaaray. Halka Shah Rukh Khan gacmaha kor u taagay si uu ugu duceeyo, halka ay Pooja ay iyaduna sida caadada u ah ay labada gacmood isa saartay iyada oo fannanadda dhimatay u duceyneyso. Shah Rukh Khan marka uu ducadi dhammeystay wuxuu iska siibay maaskarihi afka iyo sanka ugu xirnaa wuxuuna candhuuf u tufay dhinaca naxashka uu yaalla. Haddaba barta Twitter-ka waxa dood weyn ka dhalisay candhuufta uu Shaah Rukhan u ku tufay naxashka Lata. Arun Yada oo ka tirsan xisbiga BJP ayaa dhinaca Twitter-ka dood kulul ka abuuray. Wuxuuna baraha bulshada uu la wadaagay muuqaal muujinaya Shah Rukh Khan oo naxashka u duceynaya, isaga oo muuqaalkaasi ku dul qoray ""Ma cadhuuf ayuu tufayaa?"" Dadkuna waxay billaabeen inay dhinaca baraha bulshada Shah Rukh Khan ka dhaleeceeyaan iyagoo u bixinaya magaca neeftiisa. Halka qeyba kalana ay ammaaneen isaga iyo Pooja Dadlani iyaga oo ku tilmaamay sawirkooda inuu yahay sawirka dhabta ah ee Hindiya Dad badan oo caan ka ah dalka Hindiya ayaa ku soo biiray arrintan doodda dhalisay iyaga oo cambaareyn kala dul dhacay Shah Rukh Khan. Xildhibaanada Priyanka Chaturvedi waxay barteeda Twitter-ka ay ku soo qortay ""Dadka qaar ma istaahilaan duco iyo naxariis toona, ee waxay u baahan yihiin oo keli ah in la siiyo dawo xanuunka maskaxda ka hayo ay isaga daweeyaan."" Supriya Srinetra oo aqalka Koongaraska ka tirsan waxay sida oo kale barteeda Twitter-ka ay soo dhigtay farriin ay uga jawaabeysa su'aalaha tirada badan ee loo soo jeedinayo Shah Rukh Khan. ""Ma tihid oo kaliya qof ay maskaxdiisu xiran tahay, laakiin waxaad tahay qof aad u xun oo sidoo kale ducada u adeegsanaya faafinta neceybka. Qof kastaa waxa uu qabo si uu u gudbiyo, taasoo ka dhigan inaan u oggolaanno xumaanta inay guuleysato."" Supriya waxay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Sawirka Shah Rukh Khan oo duceynaya waxayna soo raacisay- ""Dalkayga."" Chandra Kumar Bose, ducada Shah Rukh Khan oo ku hadlaya magaca xisbiga BJP wuxuu yiri: ""Ducada Shah Rukh Khan uu aaska Lata Mangeshkar ka sameeyey ay muujineyso dhaqanka wanaagsan ee soo jireenka uu dalka Hindiya leeyahay. Laakiin dadka diimaha qaar aaminsan uma cuntameyso."" Sida o kale suxufiga caanka ah Siddharth Varadarajan wuxuu bartiisa Twitterka uu ku soo qoray: ""Shaki kuma jiro in ay yihiin dadka bulshada ku dhex jira ee wasakhda iyo sunta faafinaya. Haddii Arun Yadav uu jaahil ka yahay Ducada, sidaas oo kale ayaa had iyo jeer qof waydiin kara ka hor intaadan sheegan. Candhuuf tufka waa dhaqan ay muslimiintu leeyihiin. Ducadana qofka nool ama dhintay intaba waa lagu dul akhriyaa waana loo duceeyaa. Inta badanna ducooyinka la akhriyo badankood waxaa laga soo minguuriyey kitaabka Qur'aanka Kariimka ee muslimiinta. Ducada qofka marxuumka ah loo sameeyo ayaa waxaa loogu duceeyaa inuu ducadaasi loo sameynayo ilaahey ugu naxariisto walow diinta uu aaminsan yahay ay ku xiran tahay. Ducada sida oo kale ma ah mid loo akhriyo dadka dhintay oo keli ah balse dadka nool laftooda wey duceystan waana loo duceeyaa waxaana loogu duceeyaa caafimaad, cimri-dherer, cibaado, iyo wanaag oo dhan. Nidaamka ducada muslimiintana waxaa dhaqan u ah qof marka ay duceynayaan oo ay ducada dhammeeyaan iney candhuufta ku tufaan. Iyada candhuuf tufka noocaasi ee ay muslimiinta dhaqanka u leeyihiin diintooda islaamkana raadka ku leh ay dadka aan dhaqankaasi waxba ka aqoon ama neceybka islaamka uu madax maray ay xumaan u fasirtaan, laakiin xaqiiqdii xaalku laakiin sidaa waa uu ka duwan yahay oo waxaa wanagsan in dhanka wanagga laga eego." https://www.bbc.com/somali/war-60298336 +politics Shiinaha, Kuuriya, Falastiin, Kashmiir: 4 meelood oo khatar ku haya nabadda caalamka muran xadka la xiriira awgiis Dagaallo ku saabsan afar meelood ayaa muddo dheer socday waxayna halis ku yihiin nabadgalyada guud ee adduunka. Warar dhawaan soo baxay ayaa sheegayay in Shiinaha uu sameystay maraakiib dagaal oo la mid ah kuwa Mareykanka, iyadoo arrintaasna lala xiriirinayo muranka ka taagan Badda Koonfurta Shiinaha. Qaar ka mid ah isku dhacyada waxay soo taagnaayeen waqti aad u dheer, inkastoo xabbad aysan soconinna, waxaa mar walba soo cusboonaada xiisado xoog leh oo abuuraya khatar soo wajihi karta nolosha kumannaan qof. Goor sii horreysay oo sanadkan gudihiisa ah, Shiinaha ayaa lagu tuhmay inuu tijaabinayo gantaallo noocoodu yahay kuwa xambaara madaxyada nuclear-ka - gantaalladaasoo cirka duuli kara xawaare shan jibbaar ka dheer guuxooda - waxaana ka dhashay walaac weyn oo soo food saaray xukuumadda Washington. Beijing ayaa markii dambe beenisay wararka ku saabsan arrintaas waxayna mas'uuliyiinta Shiinaha sheegeen in tijaabadaasi ay ahayd middii caadiga ahayd ee ay sida joogtada ah u sameysan jireen militarigooda. Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa mar walba sameeya wax ay ugu yeereen howlgallo caadi ah, maraakiibta militariguna waxa ay dul wareegayeen Badda Koonfurta Shiinaha, oo ka mid ah meelaha uu muranka ugu weyn ka taagan yahay adduunka. Shiinaha ayaa sheegta inuu leeyahay inta ugu badan dhulka ay ku fadhiso baddaas, balse dalalka deriska la ah iyo Mareykanka ayaa ku gacan seyray sheegashadaas oo ay ka xigaan dagaal. Aagga ay ku fadhiso baddaas waxa uu marin u yahay maraakiibta ganacsiga adduunka oo sanad walba mariya badeecooyin uu qiimahoodu gaarayo in ka badan $3 tirilyan oo doolar, oo u dhiganta £2.2 tirilyan oo gini. Waddamada kala ah Philippines, Brunei, Malaysia, Taiwan iyo Vietnam waxa ay dhammaantood muddo tobannaan sano ah kasoo horjeedaan sheegashada Shiinaha ee ku aaddan in baddaas inteeda badan uu leeyahay, balse xiisadda ayaa sare u kacday sannadihii ugu dambeeyay. Dowladda Mareykanka ayaa dalalkan badankood ku taageersan mowqifkooda ku aaddan murankaas. Muddo sannado ahna, Shiinaha waxa uu diyaarinayay gantaallo goobtaas ka difaaci kara maraakiibta dagaalka. Washington ayaa ka digtay Beijing ay dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay ku howlan tahay barraalinta awooddeeda militari, oo ay ka mid tahay cududda nuclear-ka, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha ka aloosan Badda Koionfurta Shiinaha. Maadaama ay xiisaddan ku lug leeyihiin labada waddan ee awoodda badan, dad badan waxa ay aaminsan yihiin in ay khatar ku heyso amniga caalamka. Shiinaha iyo Mareyknaka labaduba waxa ay ku hubeysan yihiin bambooyinka sida ba'an wax u gumaada ee nuclear-ka. Dagaalkii Kuuriya, oo u dhaxeeyay Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed waxa uu galaaftay nolosha ugu yaraan 2.5 milyan. Dadkaas dhintay waxay isugu jireen kuwo kasoo kala jeeday labada dhinac. Bishii June ee sanadkii 1950-kii, dagaalkaas waxa uu gaaray heer caalami ah kaddib markii Kuuriyada Waqooyi, oo hoos tageysay Midowgii Soviet, ay farogelin ku sameysay Kuuriyada Koonfureed, sidaasna uu Mareykanku ugu khasbanaado inuu arrinta soo farogeliyo isagoo ka baqaya in la ballaariyo nidaamka shuuciga ama hati wadaagga. Xasaraddda Kuuriya waa mid wali taagan, dagaalkii labada dhinac u dhaxeeyayna wali si rasmi ah looguma dhawaaqin inuu istaagay. Kuuriada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed mid waliba waxa uu sheeganayaa inuu yahay dowladda kaliya ee ka jirta Kuuriya. Xiisaddan waxay soo billaabatay intii uu socday dagaalkii Kuuriya oo xabaddiisu ay socotay laga billaabo 1950-kii ilaa 1953-kii. Labada Kuuriya ayaa ilaa hadda ku jira xaalad dagaal inkastoo aysan rasaas soconin, dadaallo labada dhinac miiska wadahadalka la isugu keeni lahaana way guul darreysteen. Dagaalka Kashmiir waxa uu xaalad weyn ka yahay gobolka Kashmiir, gaar ahaanna waxa uu u dhaxeeyaa dowladaha Hindiya iyo Pakistan. Balse Shiinaha ayaa ah dalka saddexaad ee ku lugta leh dagaalkaas. Colaaddan ayaa billaabatay kaddib markii ay Hindiya iyo Pakistan kala go'een sanadkii 1947-kii, labada dal mid walbana waxa uu sheegtay inuu leeyahay labada gobol ee kala ah Jammu iyo Kashmiir iyo deegaanada hoos imaada. Muranka ka taagan labadan gobol waxa uu sabab u ahaa saddex dagaal oo waaweyn oo u dhaxeeyay Hindiya iyo Pakistan iyo marar badan oo isku dhacyo hubeysan ay dhex mareen labada dhinac. Hindiya waxa ay maamushaa qiyaastii 55% ka mid ah dhulka lagu muransan yahay, oo ay ka mid yihiin Jammu, Kahsmir Basin, in badan oo ka mid ah Ladakh, Siac Glacier iyo 70% ka mid ah shacabka deegaannadaas. Pakistan waxa ay maamushaa qiyaastii 35 % ka mid ah dhulkaas oo ah isku darka Azad Kashmir iyo Gilgit-Baltistan. Shiinahana waxa uu gacanta ku hayaa inta kale ee soo hartay, oo ay ku jiraan Aksai Chin iyo qaybo ka mid ah Demchok. Dagaalkii Israa'iil iyo Carabta dhex maray sanadkii 1967-kii waxa ay ciidamada Israa'iil ku qabsadeen Bariga Qudus iyo Daanta Galbeed. Dhinaca alena waxay Israa'iil ku qabsatay qaybo badan oo ka mid ah Buuraleyda Golan ee ay leedahay Suuriya, Qasa iyo Gacanka Siinaay ee Masar. Qaxooti badan oo Falastiiniyiin ah ayaa ku nool Qasa iyo Daanta Galbeed, qaar kalena waxay ku nool yihiin dalalka Urdun, Suuriya iyo Lubnaan. Falastiiniyiinta iyo xooladoodaba Israa'iil ayaa u diiday inay dib ugu laabtaan guryahooda - waxayna maamulka Israa'iil sheegeen in haddii ay u fasaxaan ay sababi karaan inay khatar galiyaan waddanka iyo nolosha dadka Yuhuudda ah. Israa'iil wali way haysataa Daanta Galbeed, inkastoo ay ka baxday Qasa-na Mareykanku waxa uu wali dhulkaas u aqoonsan yahay mid la haysto. Taas waxaa sii dheer in Israa'iil ay shegato in guud ahaan magaalada Qudus ay tahay caasimaddooda, halka Falastiiniyiintuna ay sheegaan in Bariga Qudus ay noqon doonto caasimadda dowladda ay mustaqbalka yeelanayaan Falastiiniyiinta. Mareykanku waxa uu ka mid yahay dalalka faro ku tiriska ah ee aqoonsan in Qudus ay tahay caasimadda Israa'iil. 50-kii sano ee lasoo dhaafay gudahooda, Israa'iil waxa ay deegaanno ka sameysatay dhulka ay heysato, halkaasoo hadda ay ku nool yihiin tiro badan oo ka mid ah dadka Yuhuudda ah. Balse Falastiiniyiinta ayaa sheega in arrintaasi ay tahay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah, ayna hor istaageyso nabad ku wada noolaashaha, laakiin Israa'iil way beenisay eedeyntaas. https://www.bbc.com/somali/war-59222759 +sports Messi oo ku guuleystay arrin uu sanado badan usoo dagaallamayay Ciyaaryahanka caanka ah ee Lionel Messi ayaa haataan magaciisa u diiwaan gelin karaa astaan ganacsi kaddib muddo 9 sano oo uu dagaallamayay arrintaas, sida ay go'aamisay maxkamadda ugu sarreysa Yurub. Maxkamadda caddaaladda ee Yurub ayaa meesha ka saartay dacwad ay soo gudbiyeen shirkadda Massi iyo xafiiska Yurub ee u qaabilsan diiwaan gelinta hal abuurka. Ciyaaryahankan ka tirsan kooxda Barcelona ayaa magaciisa astaan ganacsi u adeegsaday sanadkii 2011-kii kaas oo kasoo muuqday dharka isboortiga. Shirkadda Massi waxay ku doodeysay in labada magac uu jahwareer ka dhalan karo. Maxkamadda caddaaladda Yurub ayaa sheegtay in sumcadda ciyaartoyga la dhowro marka la eegayo arrinta ah in shacabka ay kala saari karaan astaanta ciyaartoyga iyo shirkadda Massi maadama uu yahay ciyaaryahan caan ah. Laacibka Adduunka ee Lionel Messi oo ku dhawaaqay hadal Barcelona wadnaha jaray Messi 'mucjisaddii kubbadda' oo hadda lagu muransanyahay Messi oo xabsiga loogu badeli karo ganaax lacageed Massi waxay iibisaa dharka iyo qalabka la xirto marka la kaxeynayo mootada iyo baaskiilka, waxay shirkaddu horey dacwadda uga guuleysatay ciyaaryahan Messi, balse Messi ayaa ku guuleystay hadda dacwadda kaddib markii uu racfaan ka qaatay go'aanka isla markaana kiiskiisa uu u gudbiyay maxkamadda ugu sarreyso Yurub. Messi wuxuu lix jeer ku guuleystay billada ciyaaryahanka addunka ugu wanaagsan ee Ballon d'Or, wuxuuna kulankiisii ugu horreeyay Barcelona u saftay sanadkii 2004-tii, waxa uuna koobka Champions League ku guuleystay afar goor. Waxa uu Baarceloona ku soo biiray isagoo 13 sano jir ah sanadkii 2000, xilligaasi oo uu ka soo wareegay naadiga Newell's Old Boys ee dalkiisa Argentina. Tan iyo markaasi waxa uu dhaliyay 637 gool, 731 ciyaarood oo uu saftay Barca. https://www.bbc.com/somali/war-54193508 +entertainment Bollywood: Hal su'aal oo aadan weydiin karin Shah Rukh Khan "Xiddigga shirkadda filimada Bollywoodka Hindiya, Shah Rukh Khan, labadii sano ee ugu dambeysay kama uusan soo muuqanin shaashadaha filimada, laakiin wuxuu qabtaa barnaamijyo uu ugu talo galay taageerayaashiisa. Malaayiin qof oo ku taxan barihiisa bulshada, oo kala jooga gudaha Hindiya iyo dunida daafaheeda kala duwan ayuu uga jawaabaa su'aalo xiiso badan oo ay soo weydiiyaan. Twitter-ka ayuu soo dhigaa barnaamijyada uu su'aalaha uga jawaabayo. Hase yeeshee waxaa jirta su'aal aan la weydiin karin Shah Rukh Khan, ayna tahay in waligaa aadan u bandhigin xiddiggan. Atooraha caanka ah ee lagu magacaabo Varun Dhawan, oo qudhiisa ka tirsan Bollywood-ka Hidniya, ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Bollywoodhungama ku sheegay waxa ay tahay su'aashaas. Varun Dhawan wuxuu Shah Rukh Khan kala soo shaqeeyay filimka Dilwale - oo soo baxay sanadkii 2015-kii - kaasoo uu ku jilayay inuu yahay Shah Rukh walaalkiis ka yar. Markii la weydiiyay waxa ay tahay su'aasha aan marnaba la weydiin karin xiddigga, wuxuu durbadiiba ku jawaabay: ""Imisa ayaad ku iibsatay Mannat ?"" Dadka aan ka warqabin waxa uu ""Mannat"" yahay, waa magaca dhismaha sida qasriga u sameysan ee uu Shah Rukh Khan ku leeyahay deegaanka Bandra ee magaalada Mumbai. Waa guri aad u qurux badan oo eegaya badda, mar walba oo ay jilayaasha Bollywood-ka Mumbai tagaanna ma hilmaamaan in ay booqdaan dhismahaas oo ah hoyga Shah Rukh Khan. Mar bishii October uu qof taageere ah weydiiyay in Khan uu iska iibinayo dhismahaas ayuu ugu jawaabay in uusan iib ka ahayn, waligiisna uusan gacantiisa ka bixin doonin. Khan, oo warbaahinta Hindiya qaarkeed ay ku naaneysaan boqorka Bollywood, waa jilaaga ugu hantida badan atooreyaasha caalamka. Lacagta uu heysto waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 600 oo milyan oo doolar. Xirfaddiisa jilaanimo wuxuu soo billaabay isagoo da' yar, wuxuuna kasoo muuqday in ka badan 80 filim. Shah Rukh Khan, oo dhashay 2-dii bishii November ee sanadkii 1965-kii, wuxuu jilitaanka ku billaabay filimada musalsalka ah dabayaaqadii 1980-meeyadii. Filimkiisii ugu horreeyay Bollywood-ka, oo lagu magacaabo Deewana, wuxuu soo baxay 1992-kii. Intii uu xirfadda waday wuxuu ku guuleystay ilaa 14 abaalmarin oo ah billadda atooraha ugu wanaagsan sanadka ee Film Fare. Dhowrkii sano ee ugu dambeysay xiddiggan waxaa soo food saaray hoos u dhac weyn oo ku saabsan heerka ay filimadiisa gaaraan ganacsi ahaan. Filimkiisii ugu dambeeyay ee lagu magacaabay Zero, oo rajo fiican laga qabay inuu dib usoo nooleyn doono xirfaddiisa, ayaa soo baxay dabayaaqadii sanadkii 2018-kii. Laakiin isaga laftiisa wuxuu ku noqday niyad jab kale, maadaama uusan u fiicnaanin sidii la filayay. Waxaa filimkaas la jilayay labada atariisho ee kala ah Anushka Sharmaa iyo Katrina Kaif. Khan, oo inta badan looga bartay filimo xiiso badan oo guuleystay, sumcad badan na uu ku helay ayaa sheegay in hoos udhaca sanadihii dambe soo food saaray uu ku keenay walaac uusan horay u arag. Tan iyo markii uu Zero guul darreystay Shah Rukh Khan filim kale ma soo jilin, lamana oga halka uu ku dambeyn doono mustaqbalkiisa dhinaca jilliinka." https://www.bbc.com/somali/war-55415052 +health Muxuu yahay tallaalka cusub ee Malaariyada ee la soo saaray? "Tallaalka duumada oo leh awood ""isbefdel ku sameyn karta adduunka"" ayaa waxaa sameeyay saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Oxford. Kooxdu waxay filaysaa in ay si buuxda u soo saarto sanadka soo socda kaddib markii tijaabooyinkii la sameeyay ay muujiyeen ilaa 80% in tallaalku uu waxtar u leeyahay ka hortagga cudurka dilaaga ah ee mallaariyada. Muhiimadda uu leeyahay tallaalka ayay saynisyahannadu ku sheegeen inuu yahay raqiis, ayna  horay u galeen heshiis ah inay ku soo saaraan in ka badan 100 milyan oo dawada tallaalka ah sanadkiiba. Hay'adda samafalka duumada ee No More ayaa sheegtay in horumarkan uu la macno yahay in carruurta u dhimanaysa mallaariyada ay meesha uga bixi karto ""si abidi ah"". Waxay qaadatay in ka badan qarni in la sameeyo tallaalo wax ku ool ah maaddaama barasaytka (parasite) malaariyada sababa ee ay faafiso kaneecada uu yahay mid aad u adag oo aan muuqan. Sanadkii la soo dhaafay, Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa fursad taariikhi ah siisay shirkadda weyn ee dawooyinka (GSK) si ay u soo saarto tallaalkii ugu horreeyay ee malaariyada oo laga isticmaalo Afrika. Hase yeeshee, kooxda seynisyahannada ah ee Oxford waxay sheeganayaan in tallaalkoodu uu waxtar badan yahay, sidoo kalena wax badan la soo saari karo. Natiijooyinka tijaabada lagu sameeyay 409-ka  carruur ah oo ku nool Nanoro, Burkina Faso, ayaa lagu daabacay jaraa’idka Sheybaarka Lancet Diseases Infection. Tijaabooyinka tallaalku waxay muujinayaan in ilaa iyo siddeetan boqolkiiba uu yahay mid waxtar leh marka la eego labadii sano ee la soo dhaafay. ""Waxaan u maleyneynaa in xogtan ay tahay tii ugu wanaagsanayd ee laga helay goobaha lagu sameeyo tallaalka duumada,"" ayuu yiri Prof Adrian Hill oo ah maamulaha Machadka Jenner ee jaamacadda. Kooxdu waxay billaabi doontaa habka lagu ansixinayo tallaalkooda dhowrka toddobaad ee soo socda, laakiin go'aanka kama dambaysta ah wuxuu ku xirnaan doonaa natiijada tijaabo weyn oo lagu sameeyo 4,800 oo carruur ah ka hor dhammaadka sanadka. Malaariyada waxay ahayd mid ka mid ah aafooyinka ugu waaweyn ee soo maray hay’adaha bani'aadannimada, waxayna inta badan dishaa dhallaanka. Cudurku wuxuu weli dilaa in ka badan 400,000 oo qof sanadkiiba, xitaa kaddib horumar la taaban karo oo lagu sameeyay maro kaneecooyinka lagu xirto sariiraaha iyo sunta cayayaanka. Tallaalka hadda la ansixiyay - ee ay samaysay shirkadda GSK - wuxuu la mid yahay kan Oxford lagu sameeyay. Labaduba waxay bar-tilmaameedsadaan marxaladda koowaad ee parasite-ka nolosha kaneecada iyagoo dhexda u galaya ka hor inta aysan gaarin beerka, kaddibna ku faafin qeybaha kale ee jirka. Tallaalka waxaa lagu dhisay isku-dar borotiinno ka yimid parasite-ka duumada iyo fayraska cagaarshowga B. Laakiin, nooca Oxford wuxuu leeyahay qayb sare oo borotiinnada duumada ah. Kooxdu waxay u malaynaysaa inay tani ka caawinayso habka difaaca jirka inuu diiradda saaro duumada, halkii uu ka saari lahaa cagaarshowga. Guusha tallaalka GSK waxa ay qayb ahaan waddada u xaartay Oxford in ay rajo ka qabto in tallaalkooda la soo saaro sanadka soo socda. Way adag tahay in si toos ah loo barbardhigo labada tallaal. GSK waxay soo martay tijaabooyin caalami ah oo waaweyn, halka xogta Oxford laga yaabo inay u muuqato mid wax-ku-ool ah, sababtoo ah waxaa tallaalkooda lagu soo beegay wax yar ka hor xilliga duumada ee Burkina Faso, waxaana lagu tijaabiyay carruur badan." https://www.bbc.com/somali/articles/c251x9xnvz2o +entertainment Soo saaraha Filimka muranka dhaliyay ee Kashmiir oo caro weyn muujiyay "Vidhu Vinod Chopra oo ah soo saaraha filimka cusub ee Shikara, oo laga jilay sheekooyinka ku saabsan dadka heysta diinta Hinduuga ee kas soo jeeda gobolka Kashmiir, ayaa jawaab kulul ka bixiyay dhaleeceyn loo soo jeediyay filimkiisa. Shikara ayaa lagu soo bandhigay waxa loogu yeeray ""Qisada aan la sheegin ee cuqaasha Kashmiir"". Hase ahaatee dadka odorosa arrimahan ayaa ku eedeeyay inuu ka macaashayo dhibaatada ka taagan gobolkaas ay milkiyaddiisa isku heystaan dowladaha Hindiya iyo Pakistan. Vidhu oo dhaliishan caro weyn ka muujiyay ayaa sheegay dadka ku eedeynaya inuu dhaqaale ku doonayo filimkaas ay yihiin ""Dameero"". ""Filimka 3 Idiots, oo aan aniga soo saaray, wuxuu maalintiisii ugu horreysay ee lasii daayay soo xareeyay lacag faa'iido ah oo dhan Rs 33 crore, haddana waan ognahay filimka Shikara uu maalintii ugu horreysay soo xareeyay lacag intaas aad iyo aad uga yar oo ah 30 lakh. Iyadoo taasi ay jirto, haddana muddo 11 sano ah ayaa nooga baxday sameynta filimkan"", ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri; ""Maanta waxaan dareemayaa in arrimaha ay isu baddaleen wax lagu qoslo, filimkii aan dhaqaalaha sidaas u badan ka sameeyay waxba la igama dhihin, haddana filimkan kharashka hoose ah, oo aan ka sameeyay xasuusta hooyadey ayaa la iigu eedeynayaa inaan ganacsi ka raadinayo, anigoo ka faa'iideysanaya xanuunka dadka reer Kashmiir"". ""Waxaan dareemayaa in dadku ay u maleynayaan inaan nahay Dameero, waana taas sababta aan ugu leeyahay idinku ha noqonnina dameero""., ayuu yiri. Wuxuu dadka dhaliilaha jeedinaya u sheegay inaysan ku degdegin go'aankooda. ""Marka hore filimka daawada kaddibna fikirkiinna ka dhiibta"" ayuu yiri Chopra, oo booqasho ku joogay mac-had ku yaalla magaalada Mumbai, halkaasoo uu taageero uga raadinayay filimkiisa. Shikara: Sheekada aan horay loo tabinin ee cuqaasha Kashmiir, wuxuu ku saabsan yahay barakacii baaxadda lahaa ee ay dadka heysta diinta Hinduuga uga qaxeen Kashmiir horaantii 1990-meeyadii, kaddib markii ay saameeyeen rabshadihii la socoday kacdoonka kooxaha islaamiyiinta ah. Filimkan wuxuu ahaa mid si weyn loo saadaalin karay, maadaama soo saaraha rugcaddaaga ah uu yahay nin kasoo jeeda isla gobolkaas. Dadka ku naqdinayay baraha bulshada qaarkood ayaa sheegayay in Chopra uusan si fiican u sheegin dhibaatadii dhabta ahayd ee ay la kulmeen dadkii barakacayay." https://www.bbc.com/somali/war-51492773 +politics Muxuu yahay guddiga awoodda badan ee laga saaray Ilhaan Cumar? "Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka oo aqalka kongreska Maraykanka aqlabiyad ku leh ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar ka xayuubiyay xubinimadii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalkaasi, taasoo muujineysa xiisadda ka dhex aloosan aqalka gudihiisa oo u dhaxaysa labada xisbi ee ku loollama siyaasadda Maraykanka. Cod la qaaday ayey Ilhan ku weyday xubinimada guddigan oo ka mid ah hay'adaha ugu waaweyn ee hoggaamiya siyaasadda uu Mareykanku ku wajaho caalamka. Aqalka Cad ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid siyaasadeysan. Jamhuuriyiintuse waxay sheegeen in Ilhaan ay horey u samaysay faallooyin naceyb ku salaysan oo ka dhan ah Yuhuudda, taasoo loo sababeeyay tallaabada looga saaray guddiga. Laakiin Ilhaan Cumar iyo siyaasiyiinta xisbigeeda Dimuqraaddiga ayaa sheegay in arrintani ay tahay aargoosi ka dib markii labo xubnood oo Jamhuuriyiin ahaa laga saaray guddiyo ay ka tirsanaayeen 2020-kii, markaas oo Dimuqraadiyiintu ay haysteen aqlabiyadda Aqalka. Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa leh awood iyo saameyn baaxad leh oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada Maraykanka ee arrimaha dibadda, waana guddiga naqshadeeya danaha Maraykanka ee caalamka. Haddaba Guddigan Buuxa ayaa mas'uul ka ah kormeerka iyo shuruucda la xiriira arrimahan hoos ku xusan: Guddigan ayaa awood u leh sharciga la xidhiidha maareynta Xeerka Maamulka Dhoofinta, oo ay ku jiraan dhoofinta iyo shatiyaynta qalabka iyo tignoolajiyada laba-isticmaalka iyo arrimaha kale ee la xidhiidha siyaasadda dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah ee aan si kale loogu xil saarin guddi-hoosaadyada iyada oo lau tix galinayo Qaramada Midobey, hay'adaha xiriirka la leh iyo ururrada kale ee caalamiga ah, oo ay ku jiraan tabarucaad la qiimeeyay iyo kuwa iskaa wax u qabso ah ee ururadaas. Guddidu waxa ay ku samayn kartaa kormeer, arrin kasta oo ka mid ah awoodda guddiga sida ku qeexan xeer hoosaadka Golaha Wakiilada. Hadaba ilhaan cumar ayaa ku sheegtay sababta gudigan looga saaray inay tahay haweenay Muslim ah oo Maraykanka qaxooti ku timid. ""Ma jiraa qof la yaabay in la ii arko inaanan u qalmin inaan ka hadlo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka?"" ayey tiri Ilhan wax yar uun ka hor codeynta. Jamhuuriyiinta ayaa hantay aqlabiyadda Aqalka Wakiilada ka dib doorashadii xilliga dhexe ee bishii Nofembar ka dhacday dalkaasi, waxaanay xubnaha xisbigu u codeeyeen inay xilka ka qaadaan Ilhan Cumar Khamiistii. Ilhaan ayaa ah mid ka mid ah saddexda Dimuqraadiga caanka ah ee luminaya shaqada guddi hoos timaada aqlabiyadda cusub ee Aqalka, kaas oo uu hogaamiyo afhayeenka aqalka Kevin McCarthy. Qaar ka mid ah Jamhuuriga - oo uu ku jiro Mr McCarthy - ayaa ku dooday in Ilhaan ayysan ka mid ahaanin Guddiga Arrimaha Dibadda ee awoodda leh sababo la xiriira haddalladeedii hore ee ku saabsan Israa'iil oo, mararka qaarkood, ay dhaleeceeyeen xubnaha labada dhinacba. Marwo Ilhan Cumar ayaa raaligelin ka bixisay 2019kii oo ay sheegtay in taageerada Maraykanka ee Israel ay lacag ka dambeyso. Hogaamiyihii dimuqraadiga ee markaas Nancy Pelosi ayaa dhaleeceysay hadalada Ilhaan kuna tilmaantay mid nacayb." https://www.bbc.com/somali/articles/cn47d6g745lo +health Sidee qofku u fahmi karaa xilli hore calaamadaha wadno xanuunka? "Nolasha kumanaan qof ayaa la badbaadin karaa haddii ay dadku ogaan lahaayen calaamadaha Wadno xanuunka xlli hore sida ay sheegtay waaxda caafimaadka ee dalka Ingiriiska ee magaceeda loo soo gaabiyo NHS. Dhaqaatiirta ayaa doonaya inay shacabku oggaadaan caalamadaha inta badan la arko marka wadno xanuun uu jiro sida dhididka iyo shaf-xanuunk iyadoo ay muhiimna tahay lagulana taliyay bulshada inay wacaan dhaqaatiirta marka ay dareemaan caalamadaha aan horrey ku soo sheegnay. Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo afti la qaaday ay muujinayso in wax ka yar kala bar dadku ay yaqaanaan sida loo waco ama loo garaaco Numberka gargaarka degdega ah (999). In ka badan 80,000 oo qof ayaa Cusbitaalka loo dhigaa wadno xanuun sanad kasta dalka UK. Sida guud 10-kii qofba todobo ka mid ah ayaa qaba wadno xanuun taa oo hadda la sheegayo inay korartayba. Waaxda caafimaadka ee NHS ayaa bilaabaya olale 14-ka bishaan kaa oo soconaya ilaa 31 bisha Maarso waxaana ujeedku yahay in bulshada loo sheego inay la xiriiraan numberka 999 haddii ay isu arkaan calaamadaha ay ka midka yihiin dhididdka iyo ciriiri laga dareemo dhanka xabadka ama shafka. Ra'yi aruurin la sameeyay oo arrintaa wax looga waydiiyay dad gaaraya 2,000 oo qof ayaa lagu oggaaday in kaliya 41% ay ogyihiin in dhididku uu ka mid yahay calaamadaha xilliga hore la dareemo xilliga wadno xanuunka halka 27% oo kaliya ay iyaguna sheegaan madaxnuun iyo tabar darro inay ka mid yihiin calaamadaha ay isku arkaan wakhti hore xilliga wadno xanuunka. Prof Stephen Powis, oo ka tirsan qaybta caafimaadka Uk ee NHS ahna agaasimaha waaxda caafimaadka ayaa sheegay in laga hortagi karo waxyeellada wadno xanuunka isla markaana lala tacaali karo dadka haddii xilli hore la ogaado ayna la socodsiiyaan dhaqaatiirta haddii ay isku arkaan calaamadaha muhiimka ay tahay in la ogaado. ""Nasiib darro, cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga waxay sababaan afar meelood meel dhimashada guud ahaan dalka, waxaana u aqoonsannay mid ka mid ah meelaha ugu weyn ee aan ku badbaadin karno nolosha tobanka sano ee soo socda."" Ayuu yiri Prof Powis Wuxuu intaa ku daray in qofku uu is moogaysiin karo calaamadaha haddii aanu isku arkin xanuun daran hase yeeshe wuxuu xoojiyay inay haboontahay in dhaqaatiirta lala xiriiro oo qofku xaaladdaaddiisa uu la socdo mar walba. Olalahaan bilaabanaya ayaa ujeedkiisu waxaa uu yahay sidoo kale in sare loo qaado wacyiga dadka ee la xiriira wadno istaagga iyo wadno xanuunka oo aan mararka qara isku mid ahayn. Caadiyan dadka u dhinta wadno istaagga waxay geeriyoodaan daqiiqado gudahood haddii aaney hlin daaweyn xilliga ku haboon. Wad Calaamadaha wadna xanuunka waxaa ka mid ah" https://www.bbc.com/somali/60368073 +health Lix qaab oo aad uga hortagi karto bidaarta "Taniyo bartamihii bishii lasoo dhaafay ee May waxaa la hadal hayay dawo cusub oo loo helay nooc ka mid ah xanuunnada timaha madaxa ka dhammeeya. Qaar ka tirsan warbaahinta ugu waawayn UK ayaa tabinayay wararka ku saabsan dawadaas cusub oo la sheegay in ay tahay guul wayn oo la gaaray. Seynisyahannada ayaa sheegay in dawada oo ah kaniini maalintii labo jeer la isticmaalayo ay u baahan tahay muddo lix bilood ah, si ay dhammaan timaha usoo wada noqdaan. Hase yeeshee inta badan waxaa diiradda lagu saaray haweenka uu ku dhaco xanuunka loo yaqaanno ""Alopecia"". Sidee ragga qudhooda ay uga hor tagi karaan bidaarta ama ay xal ugu heli karaan timaha ka go'aya? Halkan waxaan ku eegeynaa toddobo qaab oo kaa caawin kara marxaladdaas. Maadaama ay timaha ka samaysan yihiin maaddada burutiinka, waxaad u baahan tahay inaad xaqiijiso sidii uu jirkaaga usoo gali lahaa burutiin kugu filan oo laga helo cuntooyinka qaar. Taasi waxay kaa caawinaysaa in timahaaga ay awood yeeshaan caafimaadkooduna uu kordho. Haddii aadan cunin burutiin kugu filan waxay u badan tahay in timahaaga ay qallalaan ayna tabardarro ku dhacdo. Inuu raashinkaaga u bato cuntooyinka uu burutiinka aad ugu yar yahay waxay sababi kartaa in timahaaga ay kori waayaan ama ay billaabaan in ay daataan, sida lagu xusay daraasad lagu daabacay BBC-da laanteeda cunto-wanaagga. Si aad u hesho burutiinka aad u baahan tahay, raashinkaaga qayb ka mid ah ka dhig hilibka digaagga, hilibka shimbirta turkey-da, kalluunka, caanaha, ukunta, khudaarta iyo lawska. Seynisyahannada dhinaca caafimaadka ayaa ku taliyay in dhowr fitamiin ay kaalin ka qaataan xannaanada timaha iyo ka hortagidda bidaarta. Waxaa Fitamiinnadaas ka mid ah noocyada A.B,C iyo D. Waxaa sidoo kale soo raaca maaddooyinka iron, selenium, iyo zinc oo iyagana la sheegay in ay muhiim u yihiin koboca iyo caafimaadka timaha. Dhammaan Fitamiinnadan iyo macdanta kala duwan ee jirkaagu u baahan yahay waxaad ka heli kartaa farmashiyaasha kugu dhow, ama waxaad kala tashan kartaa dhakhtarkaaga si uu kuugu qoro. Daraasad la sameeyay sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday in raashinka loo yaqaanno ""Cuntada Mediterranean-ka"" ayuu kaalin wayn ka qaato yareynta halista la xiriirta cudurka timaha ka daadida haweenka iyo bidaarta caadiga ah ee gasha ragga. Ujeeddadu waa in la isticmaalo raashinka ay dhaqan ahaanta u leeyihiin dadka daggan gobolka ku teedsan badda Mediterranean-ka. Haddaba waa tee Cuntada Mediterranean-ka? Waxaa ka mid ah: Daraasad yar oo loogu kuur galay caafimaadka ilaa sagaal nin ayaa lagu ogaaday in masaajaynta madaxa oo maalintii la sameeyo ilaa 4 daqiiqo ay ka qayb qaadan karto koritaanka timaha. Natiijada lagu ogaaday daraasadda ayaa u muuqata mid wax tar wayn leh. Balse cilmi baareyaasha ayaa wali u baahan inay sameeyaan daraasad baaxad wayn oo go'aan kama dambays ah looga gaari karo in masaajaynta madaxa ay caawinaad buuxda samayn karto. In la dhaqo madaxa maalin walba waxay ka ka hor tagaysaa inay timaha daataan, maadaama meesha ay timaha ku yaallaan ay nadiif ahaanayso, caafimaadkeeduna wanaagsanaanayo. Laakiin furaha waa in qofku uu isticmaalo shaambo qiyaas leh, iskana ilaaliyo in uu badiyo xaddiga shaambada ee uu adeegsanayo. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in si taxaddar leh loo dhaqo timaha, sababtoo ah gacanta xoogga badan waxay keeni kartaa in ay timaha waxyeelloobaan kaddibna daataan. Habkan xannaaneynta ah waxa uu sidoo kale kaalin ka qaadanayaa in ay timaha koraan. Waxaad adeegsan kartaa shambooyin iyo nafaqooyin loogu talogalay inay kordhiyaan caafimaadka timaha. Waxaa jira dawooyin badan oo loo adeegsado ka hortagda timaha daata ama bidaarta, kuwaasoo laga heli karo xarumaha lagu iibiyo dawooyinka. Waxaase habboon in marka aad xaaladdan isku aragto aad si deg deg ah ula xiriirto dhakhtar, si uu kuu siiyo talooyinka muhiimka ah. Dhowr sano ka hor waxaa lasoo saaray daraasad muujinaysa in ragga bidaarta leh ay ka soo jiidasho badan yihiin kana kaslooni badan yihiin kuwa aan bidaarta lahayn. Balse waxaa muuqata in wali ay sii badanayaan nimanka xalka u raadinaya timaha ka go'ay, xalka ugu waynna ilaa hadda waa in dib loo beero timaha, taasoo ay ku baxdo lacag dhan inta u dhaxaysa $1000 ilaa $10,000." https://www.bbc.com/somali/articles/c987yv9qr58o +politics Natiijada doorashada Maraykanka: Goormaan ogaan doonaa ninka ay guushu raacday? "Waxaad filaysay in ay haatan soo baxaan waxyaabo muujinaya natiijada ka soo baxaysa doorashada Maraykanka. Ilaa hatan lama oga, sababtuna waxa weeyi in aan ilaa haatan la tirin codadka tiradoodu saansaan ka bixin karto cidda guushu raacayso Donald Trump iyo Joe Biden. Run ahaantii xaqiiqadu waxay tahay in wakhti dheeraad ah loo baahan yahay oo lagu tiriyo codadka lagu soo diray boostada maadaama uu safmar jiro, arintaasina keeni karto in tirinto dhawr maalmood qaadato. Joe Biden: ""Waxaan rumeysanahay in aan guuleysan doono"" Dadka Mareykanka oo galay xaalad ay ku tilmaameen ""mid cakiran"" Dhawr gobol oo muhiim ah oo ay ku jiraan Arizona, Georgia iyo Michigan ayaa la filayaa in tirinta codadkooda la dhamaystiro maanta oo Khamiis ah. Marka la dhamaystiro tirinta codadka gobolladaas ee lagu daro iyagana gobollada kale ee gelinka dambe ee Khamiista shaacin doona natiijada codkadka la tiriyey, ayaa waxa soo bixi doona in saansaan guud oo loo qaateen ahi soo baxdo. Intaas uun maaha se arintu. Hadii ay caddaato in dood sharci la geliyo natiijada - arintaas oo durba Trump ku hanjabay inuu samayn doono- waxa dhici karta in ay todobaaddo qaadan doonto mudada si rasmi ah loogu shaacin doono cidda guushu raacday. Taasina waxay keeni kartaa in ay arimuhu murgaan. Waxa mudan in la xusuusnaado in si musharaxu ugu guulaysto madaxtinimada waxa ugu weyn aanu ahayn in uu helo tirada ugu badan codadka shacabku dhiibtaa. Waxay se tahay inuu guulaysanayo musharaxa hela tirada ugu badan codadka ay bixiyaan gudiyada gobollada ee la yidhaa gole-doorasho oo ah in gobol waliba leeyahay tiro go'an oo gudidaas ah oo lagu jaan gooyey saamiga shacabka ku nool gobol kasta. Musharaxa ka hela codadka shacabka ee ugu badan gobol kasta ayaa helay codadka gole-doorashadiisa (labada gobol ee Nebraska iyo Maine oo arimahoodu si gaar ah u kakan yihiin). Wadarta codadka gole-doorashooyinku waa 538, markaa musharaxa helay 270 ayaa noqonaya madaxweyne. Ilaa haatan labada musharaxa mid waliba dhabbaha uu ku doonayo inuu Aqalka Cad ku gaadhaa wuxuu ku xidhan yahay hadba inta uu ka kasbado tiradan la yaabka ah. Sida lagu yaqaanna marka dambe waxay iskugu soo ururtaa arintu dhawr gobol oo codadkooda gole-doorasho lagu kala baxo. Biden ayaa haatan la saadaalinayaa inuu ku guulaysto codadka gobolka Michigan. Waxa sidoo kale tiro aan badnayn ku hogaaminayaa gobollada Nevada iyo Arizona, saadaasha telefishannada CNN, CBS, Fox iyo Associated Press ayaa muujinaya inuu sidoo kale ku guulaysanayo gobolka Winsconsin. Hadii kama dambaysta uu ku guulaysto codadka dhamaan goboladan marka la dhamaystiro tirinta oo wadartoodu tahay 43 wuxuu heli doonaa 270 cod. Hadii uu guulo kale ka gaadho gobollada Pennsylvania ama Georgia waxa Dimuqraadgu ku heli doonaa gacan sare oo xataa hadii codad khaldama laga jaro ay ku badbaadi karaan. Waa kuma da'yarkan Soomaaliga ah ee guusha ka gaaray Minnesota? Dhanka Trump, dhabba uu ku doonayo inuu mar labaad madaxtinimada dalka ku waxay ku xidhan tahay gobolka Pennsylvania oo codadka gole-doorashadiiu tahay 20 inta uu ka helo. Hadii uu halkaa guul ka soo hooyo iyo sidoo kale ugu yaraan saddex ka mid ah gobolada gadhay oo ay u badan tahay inuu wax ka helo Georgia, North Carolina, Nevada ama Arizona waxa suurto geli doonta in yididiilo hor lihi gasho. Laakiin maadaama codad badani hadhsan yihiin, tartankuna ilaa haatan yahay mid adag waxa dhici karta in wax waliba is bedelaan. Dadka aan fahamsanayn waxay u qaateen in codbixinta todbaadkani ay muujinayso sawir aan buuxin. Robert Cuffe, oo ah madaxa qaybta tirokoobka ee BBC-da ayaa sheegay in ay degdeg noqonayso hadii haatan la yidhaa arintu weli dhanna uma dhicin. Laakiin waxa la ogyahay waxa weeyi in celceliska saadaashii la sameeyey aanay ilaa haatan muujinayn cidda guushu raacayso. Sadaashii la sameeyey doorashada ka or waxay muujinaysay in Biden qiyaastii sideed dhibcood ka horeeyey Trump. Hase yeeshee gobollada haatan lagu hirdamayo waxa ku horeeyey Biden laakiin waa wax aan sidaa u badnayn. Waxa kale oo suurto gal ah in rabitaanka codbixiyeyaasha la qalad fahmay. In kasta oo doodda fayraska korona sannadka badankiisii oo dhan ay warbaahintu qaadaa dhigaysay, hadana daraasad ay samaysay xarunta Edison Research ayaa lagu ogaaday in shantii qof ee codbixiyeyaal ah midkood uu qabay in fayraska korona yahay waxa ugu mudan ee sida uu codka u dhiibanayo saamaynaya. Dad badan oo kale, oo ka badan saddex meeloodoow meel codbixiyeyaasha oo dhan ayaa iyaguna sheegay in waxa ugu mudan ee ay danaynayaan yahay arimaha dhaqaalaha. Arintaa marka la eego waxa dhici karta in ay u xaglinayso Trump- waana kuga muhiimada koobaad siinaya shaqooyinka iyo dhaqaalaha oo aad ugu janjeedha dhanka Madaxweynaha. Donald Trump wuxuu helay codad ka badan intii la filayey halka Joe Biden na uu ku guuldarraystay inuu wada helo gobollada codadkooduu dhakhsaha loo tiriyey, taas oo ka dhigan in ka dhursugga natiijaddu wali tagan yahay dhawr gobol oo muhiim ah la sugi doono. Joe Biden oo taageerayaashiisa la hadlaya ayaa yidhi ""waynu ku guulaysanaynaa doorashadan"" waxa se uu ku tirtirsiyey in ay samir yeeshaan. Donald Trump ayaa sheegay in Jahmuuriygu guulaystay inta la ogyahay se wuxuu sheegay been ah in musuq dhacay, maadaama oo weli codadkii la tirinayo oo aanay jirin wax caddayn ah oo muujinaya in musuq dhacay. In kasta oo aan weli tartankii madaxtinimada weli lagu kala bixin, oo laga dhur sugayo. Waxa kale oo jira wara dadka qaar dhaafay oo ah:" https://www.bbc.com/somali/war-54824240 +entertainment Filimka ay soo jileen Mithun iyo Aw Baska ee muranka ka dhex abuuray shacabka Hindiya "Film cusub oo ku saabsan sida ay dadka Hinduuga ah uga qaxeen qaybta ay Hindiya ka maamusho gobolka Kashmir sannadihii 1990-meeyadii ayaa dufaan muran ah ka dhex kiciyay shacabka Hindiya. Xisbiga dowladda hoggaamiya ee BJP ayaa taageero u muujiyay filimkan. Qisada uu ku saabsan yahay filimkan, oo lagu magacaabo 'Kashmir Files' ayaa lasii daayay Jimcadii, waxa uuna ka hadlayaa wiil arday ah oo ogaaday in waalidiintiisa oo ka mid ahaa dadka Hinduuga ah ee Kashmir daggan ay dileen mintidiin Muslimiin ah. Ardaygan ayaa sidoo kale ogaanaya in sheeko uu awowgiis u tebiyay oo ahayd in waalidiintiisa ay shil ku dhinteen ay tahay been abuur. Filimka ayaa siyaabo kala duwan looga fal celiyay, oo ammaan iyo dhaleeceyb labadaba wuu kala kulmay dadka filimada ka faallooda. Wax ka badan hal qof oo dadka wax dhaleeceeya ah ayaa ku tilmaamay ""isku day loogu ciyaarayo dareenka dadka."" Balse isla markii filimka la sii daayayba, waxa uu dood culus ka dhex abuuray shacabka isticmaala baraha bulshada. Ra'iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa sheegay in ay la dhacsan yihiin filimka, ayna taageersan yihiin sheekooyinka ku jira. Gobollo badan oo ay xisbiga talada haya maamulaan ayaa filimkan looga cafiyay canshuurta marka laga daawanayo shaashadaha. Booliska Gobolka Madhya Pradesh ayaa maalin fasax ah la siiyay si ay shaleemooyinka u aadaan oo ay filimka usoo daawadaan. Haddaba siduu filimkan kharashka laga yareeyay u kala qaybiyay fikradaha shacabka? Filimkan wuxuu ka hadlayaa taariikhda Kashmir iyo deegaannada dhibaatada ka dhacday ee u dhow xadka Pakistan, arrintaas oo muddo dheer ahayd mowduuc xasaasi ka ah muran badanna ka dhex abuuray gudaha Hindiya. Kashmir waa gobol ay ku badan yihiin Muslimiinta waxa uuna hoy yahay kooxo kacdoon sameeya oo ka soo hor jeeday dowladda Hindiya tan iyo 1980-meeyadii. Sida laga soo xigtay dad ku xeel dheer taariikhda, dabayaaqadii 1980-meeyadii, misntidiin Muslimiin ah ayaa billaabay in ay bartilmaameedsadaan dadka nolosha dabaqadda sare ku nool ee daggan Kashmir, gaar ahaan kuwa haysta diinta Hinduuga. Xilligaas, dad badan oo Hinduu ah ayaa la dilay, sida la qiyaasana, kumannaan qof ayaa lagu khasbay in ay ka barakacaan Kashmir, kuwaasoo u cararay dhinaca Hindiya. Dhacdooyinkaas kaddib, dowladda federaalka Hindiya ayaa militeri geysay gobolka Kashmir, waxaana ciidankaas la siiyay awood aan xad lahayn oo ay ku xiri karaan qofkii ay doonaan, su'aalana ku weydiin karaan. Muddo sannado ah ayaa ciidamada militeriga Hindiya lagu eedeynayay in ay dacwado aan sal iyo raad lahayn kusoo oogayeen dadka deegaanka. Taliska militeriga ayaa bayaan ay soo saareen Jimacadii ku beeniyay sheegashooyinkaas, iyagoo sheegay in ay yihiin sheekooyin la abuuray. Xiriirka u dhaxeeya dadka reer Kashmir iyo dowladda Hindiya ayaa mar kale xumaaday kaddib markii ay xukuumadda Ra'iisul Wasaare Modi gobolkaas aqoonsiga kala noqotay sanadkii 2019-kii. ""The Kashmir Files"" oo soo baxay sanadkan 2022-ka waa filim lagu sameeyay luuqadda Hindiga, waxaana qoray islamarkaana hagay filim soo saaraha caanka ah ee lagu magacaabo Vivek Agnihotri. Filimkan waxaa farsamadiisa ka shaqeeyay shirkadda Zee Studios, waxa uuna si toos ah uga hadlayaa weerarradii ay kooxaha mintidiinta Muslimiinta ah u geysanayeen dadkii Hinduuga ahaa. Waxaa filiman jilaya atooreyaal ka mid ah kuwa ugu caansan Bollywiid-ka Hindiya. Atooreyaasha ka dhex muuqta waxaa ka mid ah Mithun Chakraborty, oo ay Soomaalidu u taqaanno ""Been Boode"" iyo Anupam Kher ""oo dadka filimada daawada ee Soomaalida ay u garan og yihiin ""Aw Baska"". Jilayaasha kale ee xiddigaha ka ah waxaa ka mid ah Darshan Kumar iyo Pallavi Joshi." https://www.bbc.com/somali/war-60767216 +politics Maxay dadweynaha Kenya u hadal hayaan qaabka loo aaso Muslimiinta "Shacabka dalka Kenya ee aan Muslimka aheyn ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaabka loo aasay senetarkii magaalada Gaarisa, Maxamed Yuusuf Xaaji oo dhawaan lagu aasay qubuuro ku yaalla Nairobi. Dadka qaar waxay sheegeen inay jeclesyteen sida Muslimiinta ay meydkooda u duugaan, iyagoo aan waqti badan lumin, isla markaana aan kharash badan lagu bixin qaban-qaabada aaska sida in meydka loo qaado deegaanka uu ka soo jeedo. Qaarkood waxa ay sheegeen inay muhiim tahay in dadka kale ee aan Muslimka aheyn ay cashar ka bartaan qaabka loo aasay Yuusuf Xaaji. Wasiirkii hore ee difaaca Kenya, Yuusuf Xaaji oo geeriyooday Afar arrimood oo ku saabsan noloshii Yusuf Xaaji oo geeriyooday Mutula Kilonzo Junior oo ah senetar ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Yuusuf Xaaji loo aasay si xushmad leh loona baahan yahay in cashar laga barto arrintaas. ""Senetar Yuusuf si xushmad leh oo deggan ayaa loo aasay galabta, waa in aan cashar ka barannaa arrintaas, dunida waxbo lama aanan imaan, waana ka tageysaa sidaas si lamid ah-dhammaanteed wax qiimo ah ma lahan,"" Dhanka kale, baadari Kenyan ah oo la yiraahdo Pastor Nganga ayaa barta Twitter-ka soo geliyay qoraal uu kaga hadlayo aaska senetarka oo uu sheegay in uu jecleystay qaabka ay Muslimiinta dadkooda u aasaan. ""Waxaan jeceleystay tallaabada Muslimiinta ee arrintan, Senetar Yuusuf Xaaji markii uu geeriyooday waxaa lagu aasay qubuuraha Muslimiinta ee Langata isla maanta. Waxaa sidoo kale isla maanta la aasay siyaasi Nyachae oo geeriyooday labo todobaad ka hor."" Wuxuu intaas ku daray in Muslimiinta aysan kharasha badan ku bixin aaska dadka ka dhinta. ""Ma jirto wax lacag uruurin ah, ma jirto in gaadiid muddo dheer qaadanayo la saaro meydka, ma jirto munaasabad baroor-diiq ah, ma jiro qorshe dheer oo aaska ah, wax siyaasad ah laguma soo hadal qaada goobta duugta,"" ayuu ku qoray barta Twitter. Inta badan siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka caanka ah ee Kenya ayaa marka ay geeriyoodaan waxaa lagu aasaa deegaanadii ay ku dhasheen. Waxay shacabka Kenyan-ka aan Muslimka ahayn ay la yaabeen in Yuusuf Xaaji oo ahaa shakhsi caan ah lagu aaso halkii uu ku geeriyooday halkii lagu aasii lahaa deegaankii uu ku dhashay ee Gaarisa. Maxamed Xirsi oo maareeye huteellada loo dalxiis tago ayaa boggiisa Facebook ku qoray in qaar kamid ah shacabka Kenya ay wax ka weydiiyeen qaabka loo aasay senetarka. Wuxuu sheegay in qofka Muslimka ah inta badan lagu aaso goobta uu ku dhintay. Aaska Maxamed Yuusuf Xaaji waxaa ka qeybgalay dad badan oo uu kamid yahay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo siyaasiyiin xilal muhiim ah haya. Magaciisa oo saddexan waa Maxamed Yusuf Xaaji wuxuu sanadkii 1940-kii ku dhashay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, gaar ahaan Garissa, waxaana uu dhalay illaa 9 carruur ah. Waxaa caruurtiisa ka mid ah Nuuradiin Yusuf Xaaji oo imika ah dacwad oogaha guud ee Kenya, oo sanadihii dhawaa dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq. Yuusuf Xaaji waxaa uu ka mid yahay siyaasiyiinta Soomaalida ee muddada dheer maamulka dowladda iyo siyaasadda Kenya ku soo jiray. Waxaa uu shaqadiisa ka soo bilaabay guddoomiye degmo oo uu muddo dheer soo hayay. Sidoo kale, muddadii u dhexeysay 1970-kii illaa 1998, wuxuu ahaa barasaabkii gobolka Rift Valley, oo ah mid ka mid ah gobollada ugu waaweyn Kenya. Sidoo kale, wuxuu mar noqday barasaabka gobolka Xeebta ee Kenya oo xaruntiisu tahay magaalada Mombasa. Sannadkii 1998 wuxuu si magacaabid ah uga mid noqday baarlamaanka Kenya. Sidoo kale, wuxuu mar noqday wasiir ku xigeen, wuxuuna aad ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi. Sannadkii 2002-dii, ayuu u tartamay kursiga baarlamaanka ee deegaanka Ijaara oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa, wuuna ku guuleystay. Markii labaad ee loo doortay waxay ahayd sannadkii 2007-dii. 8 bishii January 2008, Yuusuf Xaaaji, waxaa loo magacaabay wasiirka Gaashaadhiga Kenya, wuxuuna xilkaas hayay illaa tan iyo 2013-kii. Muddadii uu xilkaas hayay, waxay ahayd xilligii ay Kenya ciidammadeeda u gudbeen gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan ururka Al-Shabaab. 8 bishii Janaayo 2012, ayaa Yuusuf Xaaji loo magacaabay sii hayaha xilka wasiirka amniga gudaha dalka Kenya, ka dib markii uu shil diyaaradeed ku geeriyooday wasiirkii amniga George Saitoti. Doorashadii Kenya ee 2013-kii, ayuu noqday Yusuf Xaaji sanatarkii ugu horeeyay ee laga soo doortay Gaarisa, wuxuuna markale ku guuleystay isla kursigaas, sannadkii 2017-kii. Maxamed Yusuf Xaaji wuxuu guddoomiye u ahaa guddi loo xilsaaray in ay soo diyaariyaan qorsha wax looga badalayo dastuurka Kenya." https://www.bbc.com/somali/war-56085609 +business Tuugsiga: Wax ka ogow sirta dadka dawarsada ee ugu taajirsan adduunka Qofka dawarsada sida dhakhli uu u helo bil kasta waxay ku xiran tahay goobta uu ku nool yahay iyo halka uu ka tuugsado. Waxaa jiro dad dhaqaale badan soo xareeya maalintii ama bishiiba, halka kuwa kalena aysan waxbo helin. Arrintan la yaabka leh ayaa ah in dadka ka dawarsada waddooyinka ay ka dhakhli badan yihiin dadka shaqaalaha ah ee xooggooda maala. Haddaba waxaan halkan idiin kugu soo gudibeynaa qaar ka mid ah dadka dawarsada ee ugu taajirsan adduunka: Bharat Jain oo 53 sano jir ah wuxuu ku nool yahay maagalada Mumbai ee dalka Hindiya, waa nin caan ah oo si weyn uga dawarsada agagaarka deegaanka Chhatrapati Shivaji ee Mumbai. Maalin kasta, 8 saacadood ama 10 saacadood gudahood wuxuu soo xareeyaa 2,000 Rupee oo lacagta Hindiya ah, una dhiganta $ 1,000 doolar. Waa lacag aad u badan oo aysan xitaa soo gelin celcelis ahaan shaqaalaha Hindiya. Jain wuxuu dhistay labo guri oo qurxoon oo uu kireystay, waxaa bil kasta uga soo xarootaa guryahaas 10,000 oo lacagta Hindiya ah. Waxay aheyd haweeney caan ah oo muddo 50 sano ah ka dawarsan jirtay waddooyinka magaalada Jeddah ee Sucuudiga. Eisha, iyadoo 100 sano jir ah ayay geeriyootay, sannadkii 2014, waxay ka tegtay guryo qaali ah kuwaas ay ku wareejisay dadkii saboolka ahaa. Arrintaas waxay ahayd mid dad badan ay la yaabeen. Hanti fara badan oo isugu jirtay dahab iyo balaayiin doolar ay ka dhimatay. Wuxuu ka dawarsadaa waddooyinka magaalada Mumbai, waan nin caan ah oo si weyn looga yaqaano halkaas. Dadka qaar waxay ku tilmaamaan nin dadaal badan, wuxuu shaqaaleysiiyay walaalkii ka yar si lacagta uu dawarsiga ku soo helay ugu hayo, waana xisaabiyihiisa gaarka ah. Wuxuu ka dawarsan jiray waddooyinka Mumbai isaga iyo afar ka mid ah qoyksiisa. Wuxuu maalin kasta soo xareyn jiray illaa $1,000 doolar, Sambhaji wuxuu maalgashaday qaar ka mid ah shirkadaha ganacsi ee adduunka, halkaas oo dhakhli badan uu ka helo illaa iyo hadda. Wuxuu sidoo kale leeyahay hanti kale oo uu ka mid yahay guri weyn oo qaali ah. Sarvatia Devi waa haweeney caan oo ka dawarsata maagalada Patna ee dalka Hindiya. Waxay shaqadan bilowday iyadoo 35 sano jir ah, waxay lacagta ay u soo dawarsato ku xareysataa akoon bangi oo ay furatay. Dadka waxay inta badan ugu yeeraan magaca 'Devi', waxay jeceshahay in ay u safarto goobaha cibaadada ee muqaddaska ee ku yaalla dalkaas. Arrinta la yaabka ah ayaa ah in marka ay safreyso aysan bixinin lacagta gaari-raaca ah, waxayna ku dhex dawarasataa babuurka, tan iyo inta ay ka gaareyso goobtii ay ku wajahneyd. Massu waa 60 sano jir ku nool magaalada Mumbai, waana nin caan ka ah magaaladaas, waxaana lagu arkaa waddooyinka isaga oo dawarsanayo. Marka uu tuugsanayo wuxuu qabaa dhar jeejeexan, wuuna ooyaa marka uu dadka wax waydiisanayo, waana sababta uu ku helo dhaqaale badan. Arrinta la yaabka leh ayaa ah in marka uu gabbalka dhaco la arko ninkan oo ku labisan dhar qurxoon, isla markaan aad u maleyneyso in uu yahay shaqaale dowladeed. https://www.bbc.com/somali/war-59052687 +politics F-35: Muuqaal laga arkayo 'sida ay u burburtay diyaarad ay leeyihiin militariga UK' Baraha bulshada ayaa lasoo dhigay muuqaal hadal heyn badan dhaliyay oo u muuqda in laga soo duubay qaabka ay u burburtay diyaarad nooceedu yahay F-35 oo ay leeyihiin militariga UK, kaddib markii ay ka duushay markabka diyaaradaha xambaara ee HMS Queen Elizabeth. Waxaa muuqaalka laga arki karaa duuliye ka booday diyaaradda oo qiimaheedu yahay £100 milyan oo gini, xilli ay kusii dhaceysay badda. Mar sii horreysay oo bishan gudaheeda ah ayay burburtay diyaarad F-35 ah oo ay leedahay UK kaddib markii ay ka duushay markabka oo howlgallo duullimaadyo ah ka fulinayay badda Mediterranean-ka. Wasaaradda Gaashaandhigga ee Britain ayaa sheegtay in aan weli la gaarin xilligii ay ka hadli lahayd dhacdadaas, waxaana hadda socda dadaallo lagu doonayo in diyaaraddaas lagu soo helo. Muuqaalka - oo lasoo dhigay Twitter-ka - waa mid noociisa ay adag tahay in la arko, waxaana uu u muuqdaa in laga soo duubay diyaaradda F-35 diyaaradda oo afka cirka u jeedisay xilli ay damacsaneyd inay ka duusho gegida markabka dushiisa ah. Xilliga ay duuleysay, halkii ay xawaare dheereeya ku ordi lahayd, diyaaraddu waxay sameysay gaabis waxayna toos ugu dhacday biyaha. Muuqaalka - oo u eg mid ay duubtay mid ka mid ah kaamirooyinka kormeerka ee markabka ku rakiban - ayaa laga arkayaa duuliye ka boodaya diyaaradda. Ilbiriqsiyo kaddib marka ay diyaaraddu miriqdo, waxaa la arkayaa dallaayad dul dabeyneysa biyaha badda, meel ku aaddan dhinaca hore ee markabka qaada 65,000 ee tan. Xiili hore oo bishan dhexdeeda ah, Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijisay in uu dhacay burbur diyaaradeed duuliyihiina uu ka badbaaday. Bayaan soo baxay habeennimadii Isniinta ayay Wasaaradda Gaashaandhigga UK ku sheegtay in ay ka war qabto muuqaalka wareegaya baraha bulshada balse waxay sheegtay in hadda aysan ku degdegi karin jawaabta ku aaddan sababta keentay burburka. Baaritaanno ayaa barbar socda isku dayga lagu doonayo in lagu helo haraadiga burburka diyaaradda. Waxaa la isla dhex marayay in burburka sababtiisa ay noqon karto dabool matoor oo si khaldan looga tagay diyaaradda dusheeda. Hadda waxaa kale oo suuragal ah in baaritaan lagu sameeyo sida uu muuqaalkan xasaasiga ah dibadda ugu soo baxay. Diyaaraddan waa tan ugu qaalisan uguna casrisan ee ay leeyihiin militariga Britain. Waa diyaarado u cago dhigan kara si dhinac dhinac ah oo aan toos ahayn waxayna leeyihiin xawaare aad u dheereeya iyo qalabka raadaarka oo tiknoolojiyad sare ku shaqeeya. Diyaaradaha uu xambaarsan yahay markabka HMS Queen Elizabeth waxa ay horay uga qayb qaateen howlgallo ka dhacay waddamada Ciraaq iyo Suuriya. F-35 oo ah diyaarad ay sameysay shirkadda Mareykanka ah ee Lockheed Martin waxay UK ka heysataa nooca B waxaana ka howlgala duuliyeyaal ka tirsan ciidanka cirka ee boqortooyada iyo ciidanka badda ee boqortooyada, kuwaasoo saldhig ku leh xarunta RAF Marham ee ku taalla Norfolk. https://www.bbc.com/somali/war-59471874 +business 20 jir sameeyay shirkad muddo kooban ku gaartay bilyan dollar "Waxa uu si fudud u fahmay sirta ganacsiga casriga ah: Xal u hel dhibaatooyinka taagan. Aadit Palicha oo Hindi ah ayaa muddo kooban ku gaaray guul ganacsi oo ka yaabisay dad badan. Aadit Palicha iyo saaxiibkii Kaivalya Vohra ayaa bartamihii 2021 sameeyay shirkad khudaarta dadka ugu geysa guryaha oo lagu magacaabo Zepto. Waxa ay ballanqaadeen in adeegooda uu muddo 10 daqiiqo ah ku geynayo khudaar kasta oo looga baahdo. Shirkadda Zepto oo haatan qiimaheedu ku dhaw yahay hal bilyan oo dollar ayaa lagu tilmaamay tan ugu kobaca ballaaran guud ahaan Hindiya. Palicha iyo saaxiibkii Vohra ayaa intii uu socday Covid-19 billaabay inay ka baaraandegaan qorshe ganacsi. Waxa ay ku noolaayeen magaalada Mumbai ee Hindiya. “Maadaama xayiraad la soo rogay Covid-19 awgii, waxaa dadka ku adkaaday inay helaan waxyaabaha daruuriga ah. Inta badan dukaamaha caadiga ah ayaa xirnaa, halka kuwa online-ka ah ay maalmo ku qaadan jirtay inay adeegga geeyaan guryaha,” ayuu Palicha u sheegay BBC-da. Waxa uu sheegay in isaga iyo saaxiibkii marka ay arkeen dhibaatada taagan ay uga dhex muuqatay fursad ganacsi. “Waxaan aragnay deriskeena oo dhibaato badan ku qaba helitaanka khudaarta iyo adeegga kale, kadib waxaa nagu dhalatay fikrad ah in aan sameyno shirkad si degdeg ah dadkaas ku gaarsiin karta adeegyada ay u baahan yihiin, waana sida ay ku billaabatay Zepto,” ayuu yiri Palicha. ""Ku gaarsii 10 daqiiqo"" Zepto ayaa si ka duwan shirkadaha kale waxa ay macaamiisheeda u ballanqaaday in adeegga ay dalbadaan lagu gaarsiin doono 10 daqiiqo gudahood. “Waxaan heshiis la galnay dukaamo badan oo dalka ku yaalla, waxaana macaamiisha adeegyadooda ku gaarsiinaa 10 daqiiqo gudahood,” ayuu Palicha u sheegay BBC. Marka uu macmiilka galo app-ka Zepto, waxaa u soo baxa noocyada kala duwan ee alaabaha, waxaana markiiba ay isku xirtaa macmiilka iyo dukaanka ugu dhaw ee haya dalabkiisa. Dukaamaha ayaa ah kuwo si gaar ah loogu tababaray hawshan, waxaana dalabka lagu diyaariyaa oo qofka loogu geeyaa wax aan ka badneyn 10 daqiiqo. “Waxaa noo shaqeeya shaqaale si wanaagsan u kala yaqaana wadooyinka oo muddo aad u kooban ku gaari kara guryaha soo dirsada dalabaadka,” ayuu yiri Palicha. Ka hor inta aanay billaabin shirkadda Zepto, Palicha iyo saaxiibkii ayaa tijaabiyay fursadaha iyo caqabadaha ka hor iman kara, waxaana markaa kadib ay ku dhaqaaqeen hirgelinta ganacsigaas. Shirkadda Zepto ayaa hadda ka shaqeysa magaalooyinka waaweyn ee Hindiya, waxaana u shaqeeya in ka badan kun shaqaale oo xafiisyada fadhiya iyo ku dhawaad toban kun oo qof oo adeegyada geeya guryaha. Palicha ayaa ku adkeysanaya in shirkadooda aan weli lagu tilmaami karin mid guulaysatay. “Xaqiiqadu waxa ay tahay in aan haatan ku dhawaaqi karin in shirkadda ay gaartay guushii ugu sarreysay. Ilaa inta aan ka noqoneyno shirkad ay faa’iidadeedu ballaaran tahay oo dadweynuhu ay saami ku leeyihiin, waan ka taxadari doonnaa in aan guul sheeganno,” ayuu yiri 20 jirkan malaayiinta dollar haysta." https://www.bbc.com/somali/articles/cydn6q7pr8po +entertainment Sidharth, Pratyusha, Sushant: 9 jilaa oo shantii sano ee lasoo dhaafay Hindiya ka dhintay iyagoo da' yar "Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waaxda jilista filimada ee Hindiya waxaa gilgilay geerida jilayaal da' yaraa oo u dhintay siyaabo kala duwan, qaarkoodna uu ka dhashay muran aad u weyn kaddib markii ay isdileen. Waxaa xiddigaha dhintay ugu dambeeyay Sidharth Shukla oo 2-dii bishan ku geeriyooday magaalada Mumbai, isagoo da'diisu ay ahayd 40 sano oo kaliya. Dhimashada atoorahan oo uu wadnaha istaagay ayaa dhalisay dood cusub oo la xiriirta in halista wadne xanuunka ee ku wajahan dadka dhallinyarada ah ay sii kordheyso, halka markii hore lagu tirin jiray oo kaliya dadka waayeelka ah. Waxaa kale oo jiray jilayaal kale oo masraxyada faarujiyay shantii sano ee lasoo dhaafay gudahooda, kuwaasoo sababo kala duwan ay galaafteen. Taageerayaasha filimada, saaxiibbadooda iyo eheladooda ayaa ilaa hadda rumeysan la' dhacdooyinka ay sida kediska ah ugu dhinteen ilaa 9 jilaa, tan iyo 2016-kii. 1-dii bishii April ee sanadkii 2016-kii ayaa atariishadan meydkeeda laga helay gurigii ka dagganeyd magaalada Mumbai ee dalka Hindiya. Pratyusha Banerjee, oo ka tagtay magaalada Jamshedpur, waxa ay Mubai u tagtay si ay u tijaabiso nasiibkeeda dhinaca jilitaanka. Waxay fursad ka heshay jilista filimka musalsalka ah ee lagu magacaabo Balika Vadhu, kaasoo uu sidoo kale ku jiray Sidharth Shukla. Dadka saaxiibbada la ahaa atariishadaas waxay geerideeda ku eedeeyeen inuu ku lug lahaa nin ay haasaawe wadaagi jireen oo lagu magacaabo Rahul Raj. Waalidiinteeda xitaa dacwad ayay ka gudbiyeen ninkaas. Jilaagan da'da yaraa waxa uu noloshiisa ku waayay shil dhacay 20-kii bishii December ee sanadkii 2018-kii. Waxa uu soo caan baxay markii uu ka soo dhex muuqday filimkii nolosha dhabta ah ku saabsanaa ee ""Ace of Space"", oo uu marti gelinayay Vikas Gupta. 21 jirkaas waxa uu taageerayaal badan ku heystay baraha bulshada, isagoo fal celin badan ka heli jiray muuqaallada iyo sawirrada uu soo dhigo. Wali waxaa xasuustooda ku haya dadkii ay isu dhawaayeen iyo kuwii taageerada u hayay. Kushal Punjabi waxa uu ahaa atoore jirkiisa si fiican u dhisay, xirfad aad u sarreysana leh. Waxa uu kasoo shaqeeyay filimada caadiga ah iyo kuwa musalsallada ah ee telefishinnada labadaba. 26-kii bishii December ee sanadkii 2019-kii ayaa meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Mumbai. Xogta laga diyaariyay dhimashadiisa waxay muujineysaa in uu isagu isdilay, xilligaasoo ay da'diisu ahayd 42 sano oo kaliya. Waxaa lasoo tabiyay in Punjabi uu in muddo ah la dhibaatoonayay walwal. 24-kii bishii January ee sanadkii 2020-kii ayaa Sejal Sharma meykeeda laga helay guriga ay ka dagganeyd Mumbai, iyadoo la laalaadda xarin ku ceejisan. Isla goobtaas ayaa laga helay warqad ogeysiis ah oo ay ku sheegeysay in sababta dhimashadeeda aan cidna lagu eedeyn karin. Dad ay isku dhawaayeen ayaa sheegay in atariishadaas uu walwal soo wajahay kaddib markii uu dhammaaday filimkii ay ka qayb qaadan jirtay ee lagu magacaabayay ""Dil Toh Happy Hai Ji"". Waxay isku dayeysay in ay shaqo hesho balse waxaa ka tan batay walwalka oo gaarsiiyay ilaa heerka ugu dambeeya. Preksha Mehta waxay is dishay 25-kii bishii May ee sanadkii 2020-kii. Sida ay sheegeen xusbno ka mid ah qoyskeeda, Preksha iyaga ayay la joogtay waxa ayna ka careysneyd in aysan shaqeyn karin xilliga lagu jiray xayiraadaha uu sababay cudurka Covid-19. Rajeev Bhadoriya, oo ah taliyaha saldhigga booliska ee Heera Nagar ayaa sheeciyay inuu jiray ""qoraal ha bog ah oo uu qoray qof ku talagalay inuu isdilo, oo laga helay qolka Preksha, waxayna warqadda ku sheegtay inay muddo badan isku dayeysay inay u dulqaadato xaaladda lagu jiray balse ay ku guul darreysatay"". Waxaa lagu soo warramay inay walwal badan dareemeysay maadaama aysan fasax u heli karin inay shaqeyso. Divya Bhatnagar oo wax kasoo jishay filimo caan ah oo ka baxayay telefishhanada, sida ""Yeh Rishta Kya Kehlata Hai"", waxay u dhimatay xanuun dhinaca wadnaha ah, 26-kii bishii November ee sanadkii 2020-kii. Sidoo kale waxay la xanuunsaneyd burunkiito iyo cudurka Covid-19 oo laga helay. Markii ay xaaladdeeda aad u xumaatay ayaa lagu xiray qalabka neefsashada. Walaalkeed ayaa aheegay inuu qorsheynayo dacwad ka dhan ah atariishadaas ninkeeda, kaasoo ay dhowr qof ku eedeeyeen inuu marar badan u geysan jiray tacaddiyo uu ka mid yahay jirdil. Samir Sharma wxa uu ahaa atoore caan ah oo ka qayb qaadan jiray jilitaanka filimada musalsalka ah ee ka baxa telefishinnada ugu waaweyn Hindiya. 6-dii bishii August ee sanadkii 2020-kii ayaa meydkiisa oo lalmada laga helay guri uu ka dagganaa xaafadda Malad ee magaalada Mumbai. Nin saaxiibkiis ah oo magaciisa qariyay ayaa warbaahinta TOT u sheegay in Samir uu la xanuunsanaa dhibaatooyin dhinaca dhimirka ah, uuna booqan jiray qof la taliye ah. 14-kii bishii June ee sanadkii 2020-kii ayaa Sushant Singh Rajput meydkiisa oo lalmada laga helay guri uu ka dagganaa xaafadda Bandra ee magaalada Mumbai. Warka ku saabsan dhimashadiisa ayaa argagax ku noqday guud ahaan shirkadda filimada Bollywoodka iyo waaxda jilista. Sidoo kale waxaa buuq weyn dhaliyay waxa keenay dhimashadiisa, halka taageerayaasha iyo ehelkiisana ay billaabeen inay eedeeyaan gabadha uu shukaansan jiray. Wali waxaa socda baaritaan ay dhacdadaas ku hayaan ciidamada booliska ee Hindiya. Maalintii Khamiista ahayd ee ay taariikhdu ku beegneyd 2-dii bishan September, 2021, ayuu Sidharth Shukla geeriyooday kaddib markii uu wadnaha istaagay. Isagoo tabardarro dareemaya ayay hooyadiis siisay biyo iyo jalaato. Dad gurigiisa booqday waxay sheegeen in uu codsaday in dhabarka loo riixriixo si uu u seexdo. Subaxdii xigtay ayaa la arkay Sidharth oo jiifa goobtii xalay lagu ogaa, isagoo aan dhinac isu dhaqaajinin. Islamarkiiba waxaa loola cararay isbitaalka Cooper, laakiin waxay dhakhaatiirta sheegeen inuu meyd yahay. Maalintii Isniinta ee 6-da bisha ayaa loo sameeyay munaasabad duco ah, taasoo ay ka qayb galeen saaxiibbadiis iyo ehelkiisa." https://www.bbc.com/somali/war-58503678 +health Maxay Afrika ku muteysatay ammaanta xakameynta feyriska Corona? Dalalka qaaradda Afrika ayaa lagu ammaanay qaabka ay uga jawaabeen fayraska karoona. Xarunta Afrika ee xakaameynta cudurada ee loo soo gaabiyo CDC, ayaa sheegtay in marka qaaradaha kale la eego sida dhibaatoyiinka uu ugu geystay Covid-19 ay qaaradda Afrika ka yartahay isla markaana la xakameyay saameyntiisa. Waxaa aad u hooseysa tirada dhimashada qaaradda Afrika marka loo barbar dhigo dalalka kale ee caalamka. Madaxa xarunta xakameynta cudurada ee qaaradda Afrika ayaa waxaa uu ku ammaanay sidii ay dalalka qaarddu u maareyeen xakamaeynta faafidda feyriska karoona. Qaaradda Afrika ayaa ayaa waxaa uu cudurka guud ahaan soo ritay 1.4 milyan oo qof. Tan iyo bishii February waxaa cudurka u dhintay 34,000 oo qof. Tirada ayaa marka la barbardhigo qaaradaha Yurub, Asia iyo Mareykanka si aad ah ugu hooseysa, islamarkana waxaa hoos u sii dhaceysa tirda uu haatan cudurku soo ridanayo. Feyriska karona oo si degdeg ah looga bixiyay jawaab ayaa door muhiim ah ka ciyaartay xakameynta cudurka iyo in uu faafo waxaa sidaasi BBC-da u sheegay madaaxa xarunta xakaameynta cuduradaee qaaradda afrika Dr John Nkengasong. Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in qaaradda oo dadka ku nool ay u badan yihiin dhalinyaro ay gacan ka geysatay in tirada dhimashada ay yaraato. Madaxa xarunta xakameynta cudurada ee qaaradda Afrika Dr John ayaa dhanka kale u aaneeyay habka wanaagsan ee feyriska loo xakameeyay in ay tahay qaaradda oo lahayd khibraado ku aadan cudurada faafa sida Ebola oo casharo badan laga bartay. Xaruntaan loo soo gaabiyo CDC ayaa ah hay'adda 55 dal ee midowga Afrika u qabailsan Caafimaadka. Qaaradda Afrika oo ay ku nool yihiin in ka badan 1 bilyan oo qof ayaa marka la eego caalamka waxay ka tahay dhanka kiisaska karona wax ka yar 5%, halka tirada dhimasahda ay qaaradu ka tahay 3.6%. Balse waxaa laga digayaa haatan in cudurku uu mar kale ku soo laba kaclayn karo islamarkana tirada hoos u dhacday darteed aysan dalalku is dhigan. https://www.bbc.com/somali/war-54276169 +sports Jaceylka ciyaarta laadhuu ka billowday xabsigana ku dambeeyay "Iqra Jiwani,oo 19 jir ah kana soo jeedda magaalada Hyderabad ee dalka Pakistan iyo Mulayam Singh Yadav oo 21 jiran ah kana soo jeeda Magaalada Prayagraj ee dalka Hindiya ayuu jaceyl dhex maray xilli ay ciyaarayeen laadhuu ama (ludo) oo ah ciyaar internet-ka lagu ciyaaro. Sannadku wuxuu ahaa 2020. Iqra ayaa si sharci darro ah Hindiya ugasoo gashay dhanka dalka deriska ah ee Nepal. Way is guursadeen waxayna noloshooda ka bilowden magaalada Bangalore ee dalkaasi Hindiya. Balse booliska ayaa ka shakiyey wicitaanada badan ee Iqra ay reerkooda Pakistan ku sugan ka wacaysay WhatsApp-ka. Baaritaan ka dib Iqra waxaa loo tarxiilay Pakistan. Mulayam na booliska ayaa soo qabtay xabsigana u taxaabay. Balse qoyska Mulayam Singh Yadav ayaa hadda booliska ka codsanaya in ay soo celiyaan xaaska wiilkooda isla markaana ay xabsiga kasoo daayaan wiilkooda. Haddaba aan kula wadaago sheekada jaceylka, guurka iyo kala fogaanshaha Iqra iyo Mulayam. Sagaal iyo labaatankii bishan Febraayo, Iqro Jiwani waxaa loo diray dalkeeda Pakistan iyadoo laga gudbiyey xuduudda Wagah. Dembigeedu waxa uu ahaa in ay Hindiya si sharci darro ah kuso gashay. Waxay is guursadeen Mulayam Singh Yadav oo kasoo jeeda magaalada Prayagraj ee Hindiya waxayna ku wada noolaayeen labadoodu guurka ka dib magalada Bangalore. Sida lagasoo xigtay booliska gobolka, Mulayam waxa uu bilaabay in uu laadhuu la ciyaaro 2020-kii isaga oo isticmaalaya magaca Sameer Ansari intii lagu guda jiray bandoogi covid-ka ee dalkaasi. Iqro aya markaas jirtay 19 halka Mulayam uu ahaa 21 jir ka shaqeeya shirkad kombuutarrada uu ku taal Bangalore halkaas oo uu waardiye ka ahaa. Xiriirka labadan u dhexeeya ayaa sii qoto dheeraaday. Ka dib waxay la kulmaan caqabada jaceylka kala maqnaanta, iyo Iqra oo qoyskeeda kala kulantay cadaadiska ah in ay guursato. Saas darteed Mulayam waxa uu Iqra kula taliyey in ay Nepal timaaddo iyada oo Dubai soo martay. Booliska ayaa aaminsan in ay halkaas isku guursadeen ka dibna ay Bangalore soo gaadheen bishii September ee 2022. Halkaas ayaanay noloshooda ka bilowdeen , agagaarka taiska booliska Bellandur. Sida booliska lagasoo xigtay, Mulayam ayaa shaqeyn jiray halka Iqro ay guriga joogaysay. Waxa uu Mulayam sidoo kale Iqro usoo sameeyay kaarka aqoonsiga oo uu qoran yahay magaca Riya Yadav. Maadaama ay qoyskeeda kasoo fogaatay, Iqra waxay bilawday inay hooyadeed oo Hydarabad-ta Pakistan ku nool kula hadasho WhatsApp. Nidaamka sirdoonka ee Bilayska Bengaluru waxa uu ahaa mid aad u feejigan marka la eego barnaamijka G20 iyo Aero show ee lagu qabanayo Bengaluru iyo intii lagu jiray kormeerka ayey boolisku ku baraarugeen wicitaanka dheer ee ay Iqra ku wacayso qoyskeeda Pakistan jooga. Intaa ka dib, booliiska Bengaluru ayaa bilaabay raadinta Iqra. Markii la waydiiyay, waxaa soo baxday in tani ay tahay sheeko jacayl oo kaliya oo ka timid xuduudka. Su'aalo la waydiiyay ka dib, Iqra waxaa lagu wareejiyay Xafiiska Diiwaangelinta Ajaanibta ee Gobolka (FRRO) 20kii Janaayo. S Girish, DCP ee Bengaluru, ayaa BBC u sheegay: ""Imika ma jiro wax dambi ah oo lagu haysto (Iqra) oo aan ka ahayn inay si sharci darro ah ku soo gashay dalka. Laakiin baaritaanku wuu socdaa."" Sida laga soo xigtay ilo kale oo bilays ah, ""marka laga reebo gelitaanka sharci darrada ah iyo been-abuurka warqadda aqoonsiga, waxay sidoo kale u muuqataa sheeko jacayl."" Mulayam Singh Yadav ayaa lagu xiray been abuur, sharciga Ajaanibta iyo qeybaha kale ee IPC waxaana loo diray xabsiga garsoorka, waxaana uu hadda ku jiraa xabsiga dhexe ee Bangalore. Shanti Devi, oo ah hooyada Mulayam oo ku sugan tuulada Maqsudna ee Prayagraj, ayaa u sheegtay weriyaha BBC, ""Waxaan rabnaa in gabadha iyo wiilka la iska daayo, waa gabadh aan soddoh u ahay. Oo wiilkaygu guursaday, si sharci ah ayaan gabadh u diiwaan galineynaa haddii ay dawladu rabto, gabadha hanoo soo celyiaan. Hooyada dhashay Mulayam ayaa ku tiri dowladda Pakistan, “Guurku wuu dhacay, labadoodaba guriga geeya”. Jeet Lal Yadav oo ah walaalka Mulayam ayaa BBC u sheegay in uu ogaaday xaaladda Mulayam iyo Iqra kadib dhacdadii booliiska ee 19kii Janaayo. Jeet Lal waxa uu sheegay in uu u malayn jiray in Mulayam uu la noolaa saaxiibkii. ""Waa dumaashidaya, adigana waa dumaashidaa, Mudane. Inantu waa dumaashida Hindiya oo dhan."" Markii Jeetlal Yadav uu ka ogaaday wararka warbaahinta ee ah in Iqra loo diray Pakistan, wuu niyad jabay. Jeetlal ayaa yidhi, ""Ii sheeg, sidee buu gurigayagu u heli doonaa ixtiraam, waxaan rabnaa inaan sii wadno, waan ognahay xaalada Hindiya iyo Pakistan, laakiin ujeedada dadkaas ma ahayn mid khaldan. Walaal hadduu ogaado in gabadha uu u xidhanyahay ay baxday maxaa ku dhici doona. Jitlal Yadav ayaa maxkamadda u gudbiyay codsiga dammaanadda ee Mulayam Singh isagoo kaashanaya qareen. Jeetlal waxa uu yidhi, Baadhitaan ayaa dhacay, ka dib Iqra waxa loo diray Pakistan, ee maxay tahay sababta walaal xabsiga loogu hayo. Waxay mar yiraahdeen, ""waa dumaashidaya, adigana waa dumaashidaa, Mudane. Inantu waa dumaashida Hindiya oo dhan."" BBC-da ayaa sidoo kale isku dayday in ay la xiriirto Iqra iyo xubnaha qoyskeeda ee Pakistan balse uma suurtagelin in ay la xiriirto hadda." https://www.bbc.com/somali/articles/c2lz95lpd10o +politics Nin lagu eedeeyay in uu duubtay cawrada 550 haween ah oo Madrid ku sugan "Nin ayaa lagu xiray magaalada Madrid isaga oo looga shaki sanyahay in uu duubtay muuqaalo uu ku bartilmaameed saday cawrada dumarka goonooyinka qaba, ka dibna uu muuqaaladaas intooda badan galiyay onlineka. Ninkaas oo u dhashay dalka Colombian isla markaasna 53 jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu muuqaaladan ku duubay taleefanka gacanta oo uu ku qariyay boorsada dhabarka lagu qaato. Booliiska ayaa sheegay in ninkaas uu website-yo galiyay ugu yaraan 283 muuqaal, lana daawaday malaayiin jeer. Qaar badan oo ka mid ah 555 dumarka ah ee muuqaallada qarsoodiga ah laga duubay ayaa la sheegay in ay ahaayeen gabdho ay da'doodu ka yar tahay 20 sano kuwaas oo badankooda lagu bartilmaameedsaday khadadka tareennada. Ninkan ayaa lagu eedeeyay in uu maalin walba duuban jiray cawrada dumarka goonooyinka qaba tan iyo xagaagii, markaas oo uu billaabay in uu muuqaalladda galiyo onlineka. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu mararka qaar bartilmaameedsan jiray dumarka ka adeeganaya suuqyada, isaga oo salaami jiray isla markaasna baran jiray dumarka si uu isugu dayo in uu ka duubto muuqaal si fiican loo arki karo. Booliiska ayaa billaabay in ay dabo galaan ninka laga shakisan yahay, waxayna xireen isaga oo haweenay ku duubanaya goob laga raaco tareenka dheereeya. Muuqaal ay Twitterka soo dhigeen booliiska qaranka ayaa lagu sheegay in ninka laga shakisan yahay uu yahay ""mid ka mid ah dadka gaystay meel ka dhaca ugu wayn ee dumarka lagu bartilmaameedsado marka laga hadlayo dhanka cawrada"". Booliiska ayaa gacanta ku dhigay kombiyuutarka gacanta iyo shay kale oo wax lagu kaydsado oo ay ku jireen boqollaal muuqaal, barta uu ninkaasi leeyahay waxaa rukuntay 3,519 ruux. Ninkan laga shakisan yahay ayaa lagu hayaa xabsiga. Dalka Spain ayaa tacadi galmo la xiriira u aqoonsan cawradda dumarka goonooyinka qaba oo la duubto, dadka dambigaas galena xabsi ayaa la dhigi karaa. England iyo Wales ayaa dhawaan dambi ka dhigay in la duubto cawrada gabdhaha goonooyinka qaba ka dib markii ay ol'ole arrintaas ku saabsan billawday Gina Martin." https://www.bbc.com/somali/war-49431567 +entertainment Atooraha aan weligiis wax dhunkan iyo sababta uu ku diiday Maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka bisha December waxa ay ku beegan tahay dhalashada xiddigga caanka ah ee Bollywood-ka, Salman Khan. Atoorahan oo lagu naaneyso “Walaalka” Bollywood-ka ayaa dhashay sanadkii 1956, haddana da’diisu waa 57 sano. Marka laga soo tago dhinaca filimada, nolosha dhabta ah ee Salman waa mid la yaab leh marka dhinacyo badan laga eego. Tusaale ahaan, waa jilaa gabadho badan lasoo saaxiibay balse aan weli iskaabulo ahm weligiisna aan guursan. Waxaa jira dhowr arrimood oo ku saabsan Salman Khan, kuwaasoo dad badan laga yaabo in aysan rumeysan. Hase yeeshee arrin kale oo uu uga duwan yahay jilayaasha kale ayaa in in weligiis uusan dhunkaso ama xiriir jinsiyeed ku sameyn filimka dhexdiisa. Salman Khan ma jecla in uu wax dhunkado isagoo “shaashadda saaran” ama la duubayo, waana arrin uu soo waday tan iyo markii uu soo billaabay xirfaddiisa jilitaanka. Jilaagan guulaha badan gaaray waxa uu jilista ku billaabay filimka 'Bibi Ho Toh Aisi' oo soo baxay sanadkii 1988. Ilaa xilligaas oo laga joogo ku dhawaad 35 sano weligiis wax dhunkasho ah kuma uusan sameyn filimka dhexdiisa. Wareysi uu hadda ka hor bixiyay ayuu ku sharraxay sababta uu door bido “dhunkasho la’aan”. “Mar walba waan jeclahay in aan filimka dhexdiisa ku sameeyo waxyaabo edeb darro ah, dagaal iyo jacayl. Mar walba waxaan ka fogaadaa in aan dhunkasho ku sameeyo duubista filimka dhexdeeda, waxaa kale oo aan iska ilaaliyaa ilaan sameeyo qeybo galmo ah, sababtoo ah taageerayaasheydu waxay filimadeyda fiirsadaan iyagoo la jooga qoysaskooda,” ayuu yiri Salman. Salman Khan waxa uu jecel yahay inuu sameeyo sawir gacmeedyada loo adeegsado rinjiga, baraha bulshada ayuuna kusoo bandhigaa farshaxankiisa. Atariishada caanka ah ee lagu magacaabo Kareena Kapoor oo ay Salman Khan isla jileen filimka 'Bajrangi Bhaijaan' ayuu xilliga ay sameynayeen filimkaas hadiyad ahaan u siiyay sawir gacmeed uu isagu sameeyay. Jilaaga kale ee lagu magacaabo Aamir Khan ayuu sawir gacmeed ugu hadiyeeyay filimka Ghajini. Aamir ayaa markaas si weyn u ammaanay qaabka wax sawiridda ee Salman. Marka uu Salman Khan rabo in uu kala ogaado waxa saxda ah iyo waxa khaldan hal qof ayuu u tagaa, kaasoo ah aabihiis, Salim Khan. “Mar kasta oo aan khalad sameeyo, aabeheey ayaa ii sharraxa khaladkaas. Isaga ayaa ah qofka ugu weyn ee I dhaliila, waxaana jeclahay in aan ogaado fikirkiisa sababtoo an wuxuu u jawaabaa si daacad ah,” ayuu yiri Salman. Waxyaabaha sida weyn loogu eedeeyo Salman Khan waxaa ka mid ah in uu Twitter-ka ku taageeray qaraxyo 1993-kii ka dhacay magaalada Mumbai oo mas’uuliyaddooda lagu eedeeyay kooxda Yakub Memon. Aabihiis ayaa isla Twitter-ka kusoo qoray in hadallada wiilkiisa aysan wax micno ah lahayn, isagoo kula taliyay Salman in uu diiradda saaro filimada oo keliya. Salman ayaa markii dambe raalligelin ka bixiyay arrintaas. Waxaa kale oo si weyn loogu xasuustaa in hadda ka hor lagu eedeeyay in uu gaari dad jiirsiiyay ka dibna goobta ka cararay. Shilkaas oo dhacay 28-kii bishii September ee sanadkii 2002 ayuu ku dhintay hal qof. Waxaa lagu eedeeyay in uu gaariga kaxeynayay isagoo khamri cabsan, inkastoo uu beeniyay eedeyntaas. 2015-kii ayey maxkamad ku xukuntay 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed. https://www.bbc.com/somali/articles/c0kvgv4p92xo