diff --git "a/data/som/test.tsv" "b/data/som/test.tsv" new file mode 100644--- /dev/null +++ "b/data/som/test.tsv" @@ -0,0 +1,295 @@ +category headline text url +business Kenya: Nin dumarka 60 jirka ah si khiyaano ah u dhaca oo la qabtay "Taliska ciidamada dambi baadhista ee Kenya ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin ""ku takhasusay"" dhaca haweenka howlgabka ah ee dowladda ka hela lacagta, gaar ahaan kuwa kaligood ah ee u nugul waxyeellada. Wycliffe Amakobe Omunga, ayaa la sheegay inuu si gaar ah u bartilmaameedsan jiray dumarka iskaabulada ah ee sugaya lacagta howlgabnimada. Xeeladda uu adeegsan jiray ayaa ahayd inuu jacayl ku abuuro isagoo siinaya waxyaabo ay jecel yihiin, una ballan qaado inuu nolosha la wadaagi doono marka ay howlgabka noqdaan. Marka uu soo xero galiyo kaddib, haweenka uu khiyaanay wuxuu u sheegaa inuu lacagtooda ugu abuurayo ganacsi, isagoo markaasna la baxsada guud ahaan lacagtii u keydsanayd. Marka uu sidaas sameeyo waxaa bannaanka kusoo dhaca dumarkii oo qalbi jabsan hantidoodii oo idilna sidaas ku waayay. Mid ka mid ah dumarka dhibbaneyaasha ah ayuu ninkan ka qaatay lacagtii ay howlgabnimada ku heshay oo tiradeedu ahayd Sh780,050. Haweeneydaas wuxuu ku khiyaanay jacayl been ah oo uu ku abuuray, kaddibna wuxuu ka dhaadhiciyay inuu u sameeyo warshad biyaha daweysan soo saarta. Iyadoo aan ka war qabin khiyaanada uu damacsan yahay ayay haweeneydaas gacanta u galisay lacagteeda, kaddibna waxay billowday inay walwasho. Arrintii ku billaabatay jacayl macaan iyo ballan qaad guur ayaa kusoo gabagabowday oohin, sida ay sheegtay waaxda Dambi Baadhista Kenya. Dadaal ay u sameysay inay ku hesho ninka ay jeclaatay ayay ku guul darraysatay kaddib markii uu ka dansaday telefoonnadii oo idil. Goor dambe ayay u suuragashay inay ninkii hesho, laakiin wuxuu u sheegay in ganacsigii ay kala wareegtay shirkad caymis ah kaddib markii uu bixin waayay deyn uusan qiimaheeda cayimin. Ninka eedeysanaha ah ayaa hadda ku xiran saldhigga booliska waxaana la filayaa inuu maxkamad kasoo hor muuqdo isagoo loo heysto dabiyo ku saabsan inuu lacago ku qaatay qaab sharci daro ah. Booliska ku howlan baadhitaanka dambiyada ninkan ayaa ka codsaday dadka kale ee dhibaneyaasha ah inay lasoo xiriiraan, lana soo wadaagaan macluumaadka ku aaddan qaabka uu u dhacay. Dhacdadan ayaa kusoo adday xilli isbucyadii lasoo dhaafay waddanka dariska la ah Kenya ee Soomaaliya laga hadal hayay nin qaab khiyaano ah ku dhici jiray gabdhaha. Cabdifitaax Cali Cumar, ayaa maxkamaddii dacwaddiisa qaadaysay ka qirtay inuu dhac u gaystay 30 gabdhood, laakiin booliska Soomaaliya ayaa sheegay inuu telefoonno ka qaatay in ka badan 60 gabdhood. Si la mid ah Wycliff, Cabdifataax qudhiisa wuxuu gabdhaha qaar kusoo xero galiyay arrimo haasaawe iyo xiriir jacayl. Xeeladdaas ayaa la oran karaa waa mid ay ka siman yihiin labada nin ee ugu dambeyn la xiray. Waxaa kale oo aad loola yaabay in ninkan uu qirtay inuu fikradda dhaca gabdhaha ka helay filim Hindi ah oo uu daawaday kaddibna uu ku camal falay. Xeer ilaalinta Soomaaliya ee dacwada ku soo oogtay Cabdifitaax ayaa sidoo kale ku eedeysay inuu Al-Shabaab la shaqeeyay. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ku xukuntay ciqaab toban sano oo xabsi ciidan ah." https://www.bbc.com/somali/war-57890350 +business "Dalalka Afrika ma waxay ku dhaceen ""dabinka deynta ee Shiinaha""?" "Shiinaha ayaa wajahay cambaareyn ku aaddan dhaqamada deyn siinta dalalka saboolka ah, isagoo lagu eedeeyay inuu sababo in dalalkaasi ay la daalaa dhacaan gudidda deymahaas taasina ay u nugleyso cadaadis uga yimaada xukuumadda Beijing. Balse Shiinaha ayaa beeniyay arrintaas, isagoo dalalka Galbeedka ku eedeeyay inay buunbuninayaan arrintan si ay u dhaawacaan sumcaddiisa. Wuuxu yiri: ""Ma jiro hal dal oo ku dhacay waxa loogu yeero 'dabinka deynta' oo ka dhashay lacagaha laga deynsado Shiinaha."" Shiinaha wuxuu ka mid yahay dalalka adduunka ee deymaha ugu badan bixiya. Deynta uu siiyo dalalka saboolka ah iyo kuwa dabaqadda dhexe ayaa saddex jibbaarantay tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo gaartay $170bn (£125bn) dhamaadkii sanadkii 2020. Si kastaba, waxaa la filayaa in deymaha uu Shiinaha bixiyo ay intaasi ka sii bataan. Baaritaan uu sameeyay AidData, oo ah guddi horumarinta caalamiga ah oo ka dhisan Jaamacadda William & Mary ee Mareykanka, ayaa ogaaday in kala bar deymaha uu Shiinuhu siiyo dalalka soo koraya aanan lagu xusin xogta deymaha ee dalkaas. Aalaaba waa laga saaraa xogta lacagaha dowladda, waxaana loo diraa shirkadaha ay dowladuhu leeyihiin iyo bankiyada iyo hay'adaha gaarka loo leeyahay, beddelkii ay noqon lahayd labo dowladood oo wax is dhaafsanaya. Waxaa haatan jira in ka badan 40 dal oo isugu jira kuwo sabool ah iyo kuwo dabaqadda dhexe ah, sida laga soo xigtay AidData, kuwaas oo deynta ay ka qaateen Shiinaha ay 10% ka badan tahay dakhliga sanadlaha ah ee usoo xarooda. Dalalka Djibouti, Laos, Zambia iyo Kyrgyzstan ayaa waxay Shiinaha ka qaateen deyn 20% ka badan dakhligooda sanadlaha ah. In badan oo deyntaasi ka mid ah waxay la xiriirtaa mashaariic dhismo oo ballaaran sida waddooyin, waddo tareen iyo dekado, iyo sidoo kale waaxaha macdan qodista iyo tamarka. Wareysi uu siiyay BBC-da, ayaa Richard Moore, oo ah madaxa hay'adda sirdoonka dibadda ee Britain ee MI6, ayaa wuxuu ku sheegay in Shiinaha uu adeegsado waxa uu ugu yeeray ""dabinnada deynta"" si ay uga sare maraan dalalka kale. Waxaa la leeyahay Shiinaha ayaa lacag dyemiya dalalka kale, kuwaas oo haddii ay ku guul darreystaan bixinta deymahaas lala wareego hantidooda - eedeymahaas oo ay muddo dheer beenineysay Beijing. Waxa ay dadka cambareeya Shiinaha tusaalaha u soo qaataan ayaa waxaa ka mid ah Sri Lanka, oo sanad kahor helay mashruuc dhismaha dekad ah oo ballaaran oo laga dhisay Hambantota. Balse mashruucna oo ah ku kacday hal bilyan oo doollar oo deyn laga soo qaaday Shiinaa ah ayaa dhaliyay muran, waxayna Sri Lanka taasi u horseedday inay la daalaa dhacdo bixinta deyntaas. Ugu dambeyn sanadkii 2017, Sri Lanka ayaa oggolaatay inay shirkadaha ay maamusho dowladda Shiinaha siiso inay maamulaan 70% dekadda muddo 99 sano ah si ay ugu bixiso deyntaas. Shiinuhu ma diwaan geliyo deymaha uu siiyo dalalka dibadda, inta badan qandaraasyadiisana waxaa ku jira qodobbo ka hor istaagaya dalalka inay xogtooda ku faahfaahiyaan. Wuxuu ku doodaa in dhowridda kalsoonidu ay tahay dhaqan guud oo loo adeegsado qandaraasyada deymaha ee caalamiga ah. ""Heshiisyada kalsoonida ku saleysan waa wax guud oo deymaha ganacsi ee caalamiga ah"", ayuu yiri Professor Lee Jones oo ka tirsan Jaamacadda Queen Mary ee London. ""In badan oo ka mid ah maalgelinta horumarinta ee Shiinaha waa mid ku saleysan howlgal ganacsi."" Inta badan dalalka aan warshadaha lahayn ayaa xogtooda deymaha ku wadaaga Naadiga Paris oo ay xubno ka yihiin. Shiinaha ayaa go'aansaday inuusan ku biirin kooxdan, balse iyadoo la eegayo xogta Bankiga Dhexe, waxaa cad in koboca deyminta Shiinaha ay aad u koreyso marka dalalka kale loo barbardhigo. Shiinaha ayaa bixiya deymo leh dul saaran aad u sarreeya marka loo barbardhigo dowladaha galbeedka. Deymahaas ayaa qiyaastii 4%, la mid ah kuwa ay bixiyaan suuqyada ganacsiga sidoo kalena waxay afar jibbaar ka badan yihiin kuwa Bankiga Dhexe ama dalalka sida Faransiiska iyo Jarmalka. Muddada loo baahan yahay in lagu bixiyo deymaha Shiinaha ayaa sidoo kale ah mid gaaban - waa in ka yar 10 sano, marka loo barbardhigo qiyaastii muddo 28 sano ah oo inta badan dalalka saboolka ah la siiyo si ay deymaha isaga bixiyaan. Shirkadaha ay dowladda leedahay ee deymaha bixiya ayaa sidoo kale dalalka dyemaha la siinayo ka doonaya in akoonnada dibadda ay ku reebaan lacag uu deyn bixiyuhu maamuli karo. ""Haddii dal uu ku guul darreysto inuu deymaha bixiyo,"" ayuu yiri Brad Parks, oo ah Agaasimaha AidData, ""Shiinuhu si fudud ayuu lacagtiisa uga jaran karaa akoonkan."" Hannaankan ayaan inta badan lagu arkin deymaha ay bixiyaan dalalka galbeedka. Waxaa haatan jira soo jeedin ka timid dalalka G20 - oo ay dalalka dhaqaalahoodu sarreeyo - deymaha uga cafinayaan dalalka saboolka ah si looga caawiyo inay la tacaalaan xanuunka safmarka ah. Shiinaha ayaa ku biiray soo jeedintan wuxuuna sheegay inuu ka qeyb qaatay ""cadadkii ugu sarreeyay ee deyn gudidda"" dal walba oo qorshaha qeyb ka ah. Bankiga Adduunka ayaa sheegay in tan iyo May 2020, ay guud ahaan in ka badan $10.3bn ay deyn cafin ahaan u keeneen dalalka G20. Balse markii Bankiga Adduunka laga codsaday inuu sheego magacyada dalkaas, wuxuu xusay inuusan soo wadaagi karin xogta." https://www.bbc.com/somali/war-59890493 +business Maxaad ka ogtahay canugga ugu taajirsan dunida? "Ryan Kaji oo ah ilma sagaal sano jir ah oo ku nool gobolka Texas dalka Mareykanka ayaa noqday qofkii lacagta ugu badneyd ka hela shirkadda muuqaalada ee Youtube sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-ka. Ryan oo ay gacanta ku hayaan waalidiintiisa ayaa lacagta ka hela muuqaalada caruurta ay daawadaan ee Cartoons loo yaqaano, halkaas oo uu soo dhigo muuqaalo madadaalo iyo kuwa kale oo ay caruurta ku maadeystaan, kana daawadan barta uu Youtube ku leeyahay. Jariiradda Forbes ee wax ka qorta dadki maalqabaneeda adduunka ayaa Ryan sanadkii lasoo dhafay ku qiimeysay in uu yahay qofka lacagta ugu badan ka helay Youtube ka sanadkii tegay. Lacag ku dhaw 30 milyan oo doollar ayuu sanadkii tegay ka helay Youtube, waxaana sidookale uu lacago kale ka helaa shirkadaha sameeya qalabka caruurta lagu ciyaarsiiyo. Alaabaha ay soo saaraan shirkadahaas ayaa lagu xardhaa sawiradiisa, si loogu suuq geeyo, caruurtana ay u iibsadan. Sanadkii lasoo dhaafay oo keliya, Ryan waxaa uu sameeyay lacag dhan 230 milyan oo doollar, kuwaas oo uu ka sameeyay xayaysiinta iyo muuqaalada barta uu ku leeyahay Youtube. Sanadkii tegay ee 2020-ka, muuqaaladiisa waxaa daawatay 12.2 bilyan oo qof, kuwaas oo ay u badan tahay in marar badan la daawaday ama caruurta ay marar badan dib u daawadeen, maadaama dadka dunida ku nool oo dhan aanay intaas gaareyn, kuwa badan oo kamid ahna aysan daawanin muuqaaladiisa. Waxaa uu barta Youtube ku leeyahay ku taxan inkabadan 40 milyan oo qof oo ku xiran akoonkiisa, kuwaas oo u badan caruur, maadaama muuqaaladiisa ay yihiin kuwa la xiriira madadaalada caruurta. Ryan Kaji ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay canug yar oo saameyn badan ku leh caruurta ku nool dalalka horumaray, waxaan muuqaalkiisa ugu daawshada badan uu gaaray 2 bilyan oo qof. Labadii sano ee lasoo dhaafay, Ryan waxaa uu sidookale ahaa qofkii ugu mushaarka badnaa ee shirkadda Youtube. Tan iyo markii uu Ryan asaasay bartiisa Youtube- ka, sanadkii 2015, waxaa muuqaaldiisa daawatay balaayiin qof. Mar ay warbaahinta NBC ee dalka Mareykanka Ryan wax ka weydiisay sababta ay caruurta u jecel yihiin daawashada muuqaaladiisa ayaa waxaa uu ku jawaabay ""waan madadaaliyaa, waxaana ahay shactiroole"". Jariiradda Forbes ayaa kusoo warrantay in hal milyan oo kamid ah 22-ka milyan ee kamidka ah lacagtiisa uu ka sameeyo xayaysiinta uu sameeyo. Ryan walaashii oo ay mataano yihiin kama marna muuqaalada oo waxay walaalkeed la sameysaa muuqaalada lasoo geliyo bartiisa Youtube-ka. Ryan oo wali caruur ah ayaa 15 boqolkiiba dakhliga uu soo xareeyo waxaa loogu shubaa akoon bangi, sii uu ugu noolaado marka uu weynaado. Waalidiinta dhalay Ryan ayaa lagu kala magacaabaa Loann Kaji iyo Shion Kaji. Ryan waxaa la sheegaa in uu leeyahay dad la shaqeeyo, kuwaas oo ay kamid yihiin kuwa muuqaalada u duuba." https://www.bbc.com/somali/war-55601920 +business Muraayaddan ma siisan lahayd £15,000? "Muraayadihii ama ookiyaalihii uu xidhan jiray halgamaagii reer Inida ee Mahatma Gandhi, midkood ayaa todobaadka dambe horaantiisa lagu xaraashi doonaa saylad xaraash oo ku taal magaalada Bristol. Mid ka mid ah shaqaalaha East Bristol Auctions oo ah xarun agabka qadiimka ah lagu xaraasho ayaa muraayaddaa Isniintii ka helay baqshad ay ku jirtay. Adrew Stowe oo ka tirsan shirkaddaa xaraashka agabka qadiimka ah ayaa sheegay in muraayadda la filayo in qiimaheedu gaadhayo £15,000 waxaanu intaa ku daray in ay tahay wixii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhd shirkaddaas. Jilaaga caanka ah Amitabh Bachchan ""Cali Dheere"" oo ka bogsaday korona India: Dumarka quruxda u tartamaya maxaa isku wada ekaysiiyey! Wuxuu sheegay in qofkii lahaa muraayaddaa '' wadnuhu is taagi gaadhay"" markii loo sheegay qiimaha muraayadda. ''Qof ayaa noogu soo diray boosta Jimcihii, oo waxay iskaga jirtay ilaa Isniintii. Mid ka mid ah shaqaalahayaga ayaa bashqadda ii dhiibay oo igu yidhi waxa laa socda qoraal sheegaya in ay tahay muraayaddii Gandhi"", ayuu yidhi Stowe. '' Dabeedna hawl maalmeedkaygii baan iska sii watay, intaan idhi waaba arin xiiso leh waxani"". Hase yeeshee markii uu baadhay, ayaa Stowe waxa uu sheegay inuu ''kursiga ka dhici gaadhay'' markuu arkay muraayaddan goobaabada ahi in ay tahay tii uu xidhan jiray halgamaagii xuquuqda dadka reer India. Tuulo sannadkii mar qudha la tegi karo oo India ku taal ''Waxaan telefoon u diray qofkii noo soo diray, waxaanan u malaynayaa markaan u sheegay in isagana wadnuhu istaagi gaadhay'', ayuu yidhi. Stowe wuxu sheegay in qofkii muraayaddan lahaa uu u sheegay inuu qoyskiisu muddo dheer jiil ba jiil u soo gudbinayey oo qof ka mid ah awowyaashii kula kulmay Gandhi qudhiisa dalka Koonfur Afrika sanadihii 1920 yadii. ''Waxaanu dib u hubinay taariikhda la sheegay, wixii la noo sheegay oo dhamina sax ayay noqdeen ilaa xataa taariikhda markii ugu horraysay ee Gandhi bilaabay inuu xidho ookiyaaleyaasha noocan ah'' ayuu dyidhi. ''Waxa suurto gal ah in muraayadii ugu horraysay ee loo qoray ay tahay maadaama oo cabirka digriigu yahay mid aan aad u badnayn. Waxaana lagu yaqaanay inuu wixiisa hadyad ahaan dadka u siin jiray"" ayuu yidhi. Stowe waxa kale oo uu sheegay in muraayaddani xiiso gaara dadka ku abuurtay, gaar ahaan dadka reer India, laakiin arinta nasiib wanaagga ahi waxa weeyi in ay isaga u soo gacan gashay. ''Bushqadda waraaqaha lagu rido ayay iskaga jirtay"" ayuu yidhi. ''Waxa suurto gal ah in la xadi lahaa amaba si ismoodsiis ah xashiishka loogu dari lahaa. Run ahaantii muraayaddani waa wixii ugu qiimaha badnaa ee shirkaddu weligeed gacanta ku dhigto"" ayuu intaa ku daray. Muraayaddan waxa lagu xaraashi doonaa internet-ka bishan Ogost 21 keeda." https://www.bbc.com/somali/53711727 +business Dheeman hal bilyan oo sano jiray iyo lacagta la kala siistay "Dheeman nooca madow ah oo la rumaysan yahay in ay tahay dheemanta ugu miisaanka culus ee si fiican loo jaray, ayaa lala kala siistay 4.3 milyan oo doolar. Xabbadan dheemanta ah oo la yidhaa The Enigma waxa miisaankeedu yahay 555.55 carat, oo u dhiganta xabbad muus ah miisaankeeda, ayaa markii hore la odorosay in lagu iibsan doono in ka badan 4.4 milayan oo Giniga Sterling-ka ah kolka lagu xaraasho internet-ka. Shirkada xaraashka ee Sotheby ee iibinaysay dheemanta ayaa sheegtay in ""qofkii iibsaday lacagta ku bixiyey hannaanka loo yaqaan cryptocurrency"". Waxa jira aragtiyo kala duwan oo laga qabo asalka dhagaxii laga soo jeemay dheemantan, waxaana ka mid ah mid odhanaysa in dhagaxaasi ahaa dhadhaab ka soo dhacday meerayaasha samada. Dheemanki labaad ee dunida ugu weynaa oo la helay Haweeney ""si khiyaano ah"" u xaday luul badan oo ay dhagxaan ku bedeshay Shirkadda Sotheby may shaacinin qofka iibsaday magaciisa, laakiin markii heshiiskii la dhamaystiray ee lala kala wareegay lacagta cryptocurrency, ayaa ganacsadaha Richard Heart ku qoray bogagga uu ku leeyahay baraha bulshada inuu isagu yahay qofka iibsaday The Enigma. Wuxuu ku wargeliyey dadka ku xidhan bogiisa Twitter-ka oo kor u dhaafaya 180,000 oo qof ""isla marka lacagta la shubo ee la lahaanshu igu soo wareego"" johoraddaa waxa loo bixin doonaa ""HEX.com Diamond"" taas oo uu ula jeedo barta lagu kala iibsado lacagaha cryptocurrency ee uu isagu aasaasay. Dheemantani waxay ka samayntahay maadada loo yaqaan carbonado oo ah nooca ugu adag dheemanka dabiiciga ah. Dheemanka carbonado ahi aad buu dhif u yahay waxaana laga helaa oo keliya Brazil iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. Maadaama oo dheemanka noocaas ahi ka samaysan yahay macdanka la yidhaa osbornite, oo ah nooc laga helo dhadhaabaha ka soo dhaca meerayaasha sare, waxa la rumaysan yahay in dhagaxii laga soo saaray dheemantani asalkiisi hore ahaa mid cirka ka soo dhacay. Sotheby ayaa ku tilmaantay The Enigma mid ka mid ah ""noocyada dhifta ah ee jiray halka bilyan ee sannadood oo ah mucjiysooyinka aadamuhu ku arkay koonka"". In kasta oo asalka dheemanka madow aan si cad loo garanayn, hadana waxa la rumaysan yahay in ay jireen ku dhawaad 2.6 ilaa 3.6 bilyan oo sanadood oo ah xataa intii ka horaysay waayadii noolaha Dinosaurs-ku jireen. Dhulka laftiisa ayaa jiray 4.65 bilyan oo sannadood, taas oo ka dhigan in aanu wax badan ka da' weynayn dheemanka madow." https://www.bbc.com/somali/60342457 +business Nin dhallinyaro Soomaali ah oo jaamici ah , shaahana iibiya. "Inta badan dadka wax barta ee jaamacadaha ka qallin jabiya waxaa ay raadiyaan shaqo ay ku kaafiyaan noolashooda, balse Ibraahim Saransoor oo ah nin dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Mandera ee dalka Kenya waa uu ku dhaqaaqay arrin dhif iyo naadir ah oo ay adag tahay in agu arko deegaanada Soomaalida. Ibraahim oo haysta shaaahadada koowaad jaamacadda , bartayna culluunta horumarinta ayaa sheegay in u lasoo shaqeeyay hey'ado caalami ah, kuwaas oo uu usoo qabtay shaqooyin badan oo ay kamid tahay horumarinta ganacsiyada yaryar. ""Markii aan waayay shaqo ayaa waxan u baxsaday xirfadeydii hore, oo hadda waxaan ka shaqeeyaa oo aan iibiyaa shaaha, shurbadda ama mushaarida iyo oodkaca ama colobta"", ayuu yiri Ibraahiim Maxamed Cali oo ku magac dheer Saransoor oo la hadlayay BBC-da. Waxaa kale oo uu sheegay in haatan uu shaqeysto, xornimo dhaqaalena uu dareemay kadib markii sida uu sheegay uu ku gaaray isku filnaansho. Ibraahim ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada uu jaamcadda uga soo qallin jabiyay ay ahayd sidii uu u bilaabi lahaa shaqooyinka yaryar, kaidbna uu horumariyo. ""Markii aan koob dhaqay, shaah, shurbad iyo muqmad dadka macaamiisha ah ka iibiyay, maacuunteydana aan dhaqay ayaa dareemay in aan xor noqdo"", ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Dhallinyarada ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay isku tashadaan oo aysan u joojinin shaqo la'aanta. Waxaa kale oo uu sheegay in dadka marka ay arkaan ay ku qoslaan oo ay la yaabaan, halka qaarna ay u arkaan in ay tahay shaqo liidata. Shaqada shaah karinta ayaa ah mid inta badn looga bartay dumarka, waxaana adag in la arko rag ku dhiirada in ay shaqooyinkaas qabtaan. Dalka Kenya oo uu Ibraahim wax ku bartay ayaa waxaa aad ugu badan shaqo la'aanta, waxaana dhallinyara badan ku dhacda in ay shaqo la'aan soo istaagaan marka ay waxbarashada dhameeyaan." https://www.bbc.com/somali/war-53160979 +business Tobnaan milyan oo doollar ayay ku iibsadeen guryaha, haddana kuma faraxsana "Wiishka guriga oo cilladeysan, daadad iyo buuq aan loo dulqaadan karin, waa keliya qaar ka mid ah cabashooyinka ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah bilyaneerrada deggan mid ka mid ah dhismooyinka ugu qaalisan magaalada New York. Haatan, dadka deggan dhismaha Park Avenue ee ka kooban 432 dabaq ayaa maxkamad la tiigsanaya maamulka, iyagoo ku eedeynaya inay wax ka qaban waayeen 1,500 cilladood oo dhismuhu leeyahay. Dacwada ayaa lagu sheegay in cilladaha gurigan ""ay khatar geliyeen isla markaana ay dhib ku qabaan"" dadka deggan iyo martida. Dhismahan aadka u dheer ayaa waxaa sanadkii 2015 laga dhisay xaafadda lagu magacaabo Billionaire Row ee Manhattan. Dadka dhismahan guryaha ka iibsaday waxaa ka mid ah fannaanadda caanka ah ee Jennifer Lopez iyo gacaliyaheedii hore Alex Rodriguez, maalqabeenka Sacuudiga u dhashay ee Fawaz Alhokair iyo xubin ka tirsan qoyska leh shirkadda Jose Cuervo Tequila, sida laga soo xigtay wargeyska New York Times. Guryaha ayaa lagu iibsaday tobnaan milyan oo doollar. Dacwawaddan oo lagu dalbanayo $250m oo magdhow ah ayaa waxaa Khamiistii loo gudbiyay Maxkamadda ugu Sarreysa New York, waxaana lagu sheegay in dhibaatooyinka dhismaha lagu qabo ay ka mid yihiin qarax koronto oo bishii June dhacay kaas oo koronto la'aan dhigay dadka deggan iyo buuq xad dhaaf ah iyo gariir. Ilaa 1,500 oo cillado dhanka dhismaha iyo naqshadeynta ah ayay gurigan ku arkeen injineerrada ay shaqaaleysiiyeen guddiga maamulka guriga. New York Times ayaa soo xigatay mid ka mid ah dadka deggan gurigan oo sheegay in haanta qashinka lagu shubo ee dhismaha ay u qeylineyso ""sida bambo"" marka la isticmaalo. Inta badan arrimaha dacwadda lagu xusay ayaa lagu sheegay ""kuwo halis ku ah nafta"". Waxaa la sheegay in wiishka dhismaha, tusaale ahaan uu ku kallifo dadka inay muddo saacado ah sugaan. ""Dadka waxay guryaha ku iibsadeen tobnaan milyan oo doollar si ay u helaan. Way ka fog yihiin guryo raaxo leh sida loo ballan qaaday, si kastaba, dadka waxaa laga iibiyay guryo cillado qaba,"" ayuu yiri ninkaas. Shirkadda maalgelisay dhismaha guriga oo ka tirsan Kooxda CIM iyo Macklowe Properties ayaa sheegtay in gurigan uu yahay kan ugu fiican magaalada. CIM iyo Macklowe Properties kama aysan jawaabin codsiga ay BBC-du u dirtay ee ah inay ka falceliyaan arrintan." https://www.bbc.com/somali/war-58686370 +business Maxaa keenay in uu kordho dalabka cuntada xalaasha ah ee adduunka?. """Anigu xalaal uun baan cunaa, kumana raaxaysto sidaoo kalena kama dhergo cunnada haddii aanay calaamad xalaal in ay tahay sheegaysaa ku oollin"". Ayay Marwa ku tilmaantay waxa ugu mudan ee ay ku xulato marka ay rabto in ay soo iibsato cuntada ay u baahan tahay. ""Wax walba oo jikadayada ku jira waa xalaal, xitaa nacnaca carruurta, shukulaatada, caanaha iyo subaggaba"" Marwa ayaa u sheegtay BBC. ""Waxyaalahani waa waxa aan jeclahay in aan siiyo ninkeyga iyo gabadheyda 12-jirka ah."" Marwa waxay Masar ka soo safartay 15 sano ka hor waxayna qoyskeeda kula nooshahay dalka Holland, waxayna ka mid tahay boqollaal milyan oo adduunka ah oo inta badan ku tiirsan wax soo saar xalaal ah oo ay ka dhigtaan cunto iyo cabbitaan. Taasi waxay ka dhigtay suuqa wax soo saarka xalaasha ah midka ugu kobaca badan aduunka. Marwa waxay xaqiijisay in badeecooyinka xalaasha ah ay yaalaan dhammaan bakhaarrada gurigeeda u dhow, iyo silsilado suuqyo ah oo ku faafay goobaha ay Muslimiinta iyo Carabta isugu yimaadaan dalka oo dhan, halkaasoo gees gaar ah loogu qoondeeyay wax soo saarka xalaasha ah. Dukaamada Marookaanka iyo Turkida ayaa sidoo kale si weyn ugu faafay xaafaddeeda, taasoo u sahlaysa inay ka iibsato wax soo saarka xalaasha ah iyo sidoo kale cunto la mid ah kuwii ay Masar ka soo iibsan jirtay. Marka loo eego Warbixinta Dhaqaalaha Islaamka ee Caalamiga ah 2020, oo ay soo saartay Shirkadda Dinar Standard Corporation ee fadhigeedu yahay Dubai, waxa loo yaqaan dhaqaalaha xalaasha ah wuxuu ka dhigan yahay 3.7% wadarta ganacsiga adduunka. Qiimaha suuqa ee alaabtan lagu tilmaamay inay yihiin ""xalaal"" caalamka oo dhan, ayaa lagu qiyaasay $2.2 trillion intii lagu jiray sannadkii 2019, sida warbixintaa lagu sheegay. Goobaha ganacsiga xalaasha ah ayaa la balaadhiyay, marka laga soo tago hilibka iyo digaaga, caanaha iyo falaabta kale ee aan lahayn dufanka doofaarka, biyaha lagu keydiyo weelasha aan hore lagu keydin khamriga, iyo fitamiino aan lahayn dufan doofaarka. Marka laga soo tago cuntooyinka iyo cabitaannada, waxaa suuqa lagu kala iibsadaa alaabooyinka xalaasha ahaa oo la sii horumariyey iyada oo lagu soo daray agab la isku qurxiyo oo xalaal ah, kuwaas oo ah alaab aanu ku jirin dufan doofaar iyo khamri. Dalxiiska xalaasha ah ee ayaa isaguna jira, inta badan waxa uu ka dhigan yahay qorshe lagu qaabilayo qoysaska muslimka, gaar ahaan hoteellada iyo goobaha lagu nasto kuwaas oo aan ogolayn iibinta ama bixinta khamriga iyo hilibka doofaarka, iyo sidoo kale kuwa u qoondeeya barkadaha dabaasha ee haweenka oo kaliya iyada oo aan la isku darin lab iyo dheddig, mana jiraan goobo lagu caweeyo ama hoolal khamaar. Sidoo kale suuqa wax kala iibsiga ee xalaasha ah ee ganacsiga bangiyada,hay'adaha maaliyadeed ee Islaamka iyo shirkadaha ku shaqeeya nidaamka Islaamka ayaa lagu xeeraa suuqyada gaarka ee nay ka adeegtaan dadka muslimka ah. Sanadkii 1.17 trillion oo dollar ayaa lagu kharash gareeyaa cuntooyinka iyo cabitaanada xalaasha ah ee caalamka, halka wax ka yar trillion dollar lagu kharash gareeyo inta kale ee badeecadaha lagu tilmaamay xalaal. Marwa iyo qoyskeedu waxay ku bixiyaan 80-90 Yuuro wiiggii alaab xalaal ah, oo u dhiganta 86-96 doolar. Iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana waxa ay xaqiijinaysaa in qiimaha badeecadahaasi ay gaadhi karaan qoysaska Muslimka ah, isla markaana ay ku dhow yihiin in ay la mid yihiin badeecadaha kale ee ""aan xalaasha ahayn"". Marka loo eego tirakoobka ururka caalamiga ah ee cunnada xalaasha ah oo la soo saaray Ogosto 2017, tirada dadka cunay cuntooyinka xalaasha ah ayaa gaadhay ku dhawaad ​​laba bilyan oo qof oo adduunka ah. Balse waxa yaabka yaabka leh ayaa ah in tobanka waddan ee ugu badan ee dhoofiya wax soo saarka xalaasha ah ay yihiin dalal aan muslim ahayn, kuwaas oo kala ah India, Brazil, Austria, United States, Argentina, New Zealand, France, Thailand, Philippines iyo Singapore. Saamiga ay dalalkani ka soo saaraan wax-soo-saarka xalaasha ah ee caalamka ayaa lagu qiyaasaa 85%, halka saamiga dalalka Muslimka ah ay ku leeyihiin wax soo saarka iyo iibinta xalaasha ah 15% oo kaliya. Malaysiya, Indonesia iyo Turkiga ayaa safka hore kaga jira wadamada Muslimka ah ee ka qayb qaadanaya dhaqaalaha xalaasha ah. Turkiga waxa uu ku fadhiyaa maqaam heersare ah, iyada oo wax-soo-saarkiisu uu ka badan yahay 20 bilyan oo doolar sannadkii. Shirkadaha Turkiga ee iibiya badeecadaha xalaasha ah ee loo dhoofiyo dhowr magaalo oo Yurub ah ayaa ka dhigan ku dhawaad ​​15% wadarta guud ee shirkadaha wax soo saarka cuntada ee Turkiga. Dr. Kamil Al-Sari, oo ah borofisar cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Sorbonne ee magaalada Paris, ayaa BBC u sheegay in suuqa wax soo saarka xalaasha ah uu ka marag kacayo kobac caalami ah 40-kii sano ee u dambeeyay. Al-Sari waxa uu arrintan ku sababeeyey in ay sabab u tahay kororka tirada dadka Muslimiinta ah ee ku nool Yurub sannadihii u dambeeyay, haddii ay dalalkooda uga soo barakaceen dagaallo, dhaqaale la'aani ama waxbarsho, iyada oo ay taasi u dheer tahay saamaynta weyn ee ay fuqahada iyo Sheekhyadu ku leeyihiin Muslimiinta. Taas oo ah in ay raadiyaan wax soo saar xalaal ah, haddii kale ay dembi geli lahaayeen."" Sababahan ka sokow cilmi-baadhisyadu waxay tilmaamayaan in sababta ugu weyn ee kobaca suuqa xalaasha ah ee caalamka ay sidoo kale ku jirto horumarka uu sameeyey dhaqaalaha dalalka Islaamka ah, iyo korodhka baahida iyo wax soo saarka xalaasha ah ee suuqyada cusub ee Yurub, Japan. Hindiya iyo Shiinaha." https://www.bbc.com/somali/war-61616308 +business Is qurxinta: Sidee ayay u dhacaan qalliinada wejiga ee aan sharciga ahayn? "Barnaamij cusub oo BBC ka baxa, oo la yidhaahdo Under the Skin ayaa soo bandhigay ganacsiga quruxda badan ee loo yaqaan 'Botched Beauty Business', sida hababka isku qurxinta badan ee ku lug leh cirbadaha iyo qalliinka looga barto internetka, siiba koorsooyin hal maalin ah oo aan aamin ahayn. Muuqaallo qarsoodi ah oo ku aaddan hab qalliinka wejiga ah ayaa muujinaya tababare si shil ah u muday xididdada dhiigga bukaanka iyo kordhinta suurtagalnimada bukaan-socodka infekshinka ah, iyada oo loo marayo hab-dhaqan nadaafadeed oo liita. Khubarada daawatay muuqaalka ayaa rumeysan in ardayda dhigata koorsadan ay halis ku noqon karaan guud ahaan shacabka. Habka is qurxineed ee aan qalliinka la marayn, oo u badan baabi'inta laalaabka wejiga, ayaa caan noqday sannadihii la soo dhaafay. Tani waxay ku soo beegantay iyadoo ay kordhayaan tirada koorsooyinka tababarka ee baraya xirfadleyda sida loo maamulo daaweyntan. Laakiin koorsooyinka tababarka qurxinta ayaa gebi ahaanba aan sharciyeysnayn. Dawladdu uma baahna dhakhtar ku takhasusay bilicsanaanta inuu haysto wax aqoon ah oo qasab ah, in kasta oo daaweynta qaarkood ay ku lug leedahay cirbado ayna sababi karto dhibaatooyin daran. Qof kastaana wuu aadi karaa koorso tababar oo wuu u qalmi karaa. Iyada oo aan lahayn wax shuruudo ah oo lagama maarmaan ah, tayada koorsada tababarka bilicsanaanta si weyn ayey u kala duwan tahay. Magaalada Liverpool oo kali ah, BBC Three waxay heshay 26 akadeemiyada tababarka qurxinta oo bixiya koorsooyin u dhexeeya qiimaha £150 ilaa £5,000. Koorsooyinkani waxay ka socdeen meel kasta oo ka mid ah dhowr saacadood oo khadka tooska ah ah, taas oo mararka qaarna gaadhsiisan dhowr maalmood oo tababar fool-ka-fool ah. Bishii Abriil ee sannadkan, BBC Three waxay kalkaaliye caafimaad, oo qarsoon u dirtay akadeemiyadda tababarkaas bixisa oo fadhigeedu yahay Liverpool oo lagu magacaabo Boss Babes Uni. Kalkaalisadaas, oo aan ugu yeedhayno Jemma si aan u ilaalinno aqoonsigeeda, ayaa ka qeyb gashay koorso ardayda lagu barayo sida loo sameeyo da' yareynta wajiga ee aan qalliinka ahayn iyadoo la adeegsanayo dun iyo cirbad. Daaweynta mararka qaarkood waxaa loo yaqaan bi'inta xarriiqaha iyo coodhcoodhka wejiga. Nidaamku wuxuu ku lug leeyahay isticmaalka dun la mid ah tan ay dhakhaatiirta qalliinku isticmaalaan si loo tolo nabarrada. Iyadoo la adeegsanayo irbad, dunta ayaa la gelinayaa maqaarka oo kor ayaa loo jiidayaa, iyadoo abuureysa isku dheelli tirnaan wajiga ah. Dhakhtar ku takhasusay qurxinta, oo lagu magacaabo Dr Vincent Wong, ayaa ku doodaya in kor u qaadista dunta ay tahay nidaamka ugu halista badan. ""Waxyaabo badan ayaa khaldami kara, waxaana ka mid ah khataraha daawooyinka kale ee la isku duro,"" ayuu yidhi. ""Haddii ay shaqeyso, natiijooyinka waa kuwo layaab leh, laakiin waxa ay sababi kartaa dhaawac muddo dheer ah oo aan laga soo kaban karin."" Dr Wong wuxuu muddo saddex bilood ah bixiyay tababar afar koorso oo kala duwan, ka hor inta uusan fulinin wiishkiisii ugu horreeyay. Boss Babes Uni, koorsada tababarka waxay ka koobnaayeen shan saacadood oo tababar muuqaal dhanka online ah, oo ay ku xigto koorsada maalinlaha ah ee Liverpool. Jemma, oo ah kalkaaliye caafimaad oo in ka badan labaatan sano khibrad u leh bilicsanaanta, ayaa ka naxday xirfad-la'aanta iyo dhaqamada aan aamminka ahayn ee lagu baray koorsada. Sida laga soo xigtay Dr Wong, hawlaha noocan oo kale waxay u baahan yihiin dhul nadiif ah iyada oo la haysto qalabkii ku habboonaa si looga fogaado feyrasyada iyo bakteeriyada. Laakiin kalkaalisadeenna qarsoodiga ah waxay aragtay macalinka oo marar badan taabanaya dhowr shay oo isla markiiba haddana taabanaya wejiga qofka loo sameynayo daweynta, taas oo kordhinaysa suurtagalnimada infekshin muddo dheer ah oo qofkaas ku dhaca. ""Ma jirin isku day lagu xakameynayo infekshinka,"" ayay tiri Jemma. ""Macallinka ayaa howsha ku sameeyay kursi halkii uu ka sameyn lahaa sariir nadiif ah. Waxay qabatay taleefan iyada oo bartanka daaweynta ku jirta, waxayna xitaa iga codsatay inaan filim ka duubo iyada oo ku guda jirta howsha taleefankeeda."" Kalkaalisadeenna qarsoon ayaa leh tababaruhu wuxuu sii waday inuu soo dhigo fiidiyoowga baraha bulshada iyada oo bukaanku wali irbadda wejigeeda ka muuqdo." https://www.bbc.com/somali/war-57959641 +business Bilyaneer caan ah oo sheegay inuu lacagtiisa siinayo dadka saboolka ah "Bilyaneer Bill Gates ayaa ballan-qaaday inuu ku deeqi doono hantidiisa oo dhan, isla markaana uu ka bixi doono kaalimaha hore ee uu uga jiro liiska maalqabeennada adduunka. Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli uu ninkan oo asaasay shirkadda Microsoft shaaciyay in lacag dhan 20 bilyan oo doollar uu ugu deeqay hay’addiisa samafalka. Gates oo hadda ah ninka afaraad ee dunida ugu taajirsan ayaa sheegay inay “masuuliyad” ka saaran tahay inuu hantidiisa ku celiyo bulshada. Yabooh noocan oo kale ah ayuu Gates sameeyay sanadkii 2010, hase yeeshee wixii markaas ka dambeeyay waxaa aad sare ugu kacay hantidiisa, oo waxa uuba ka batay labo-laab. Sida ay shaacisay jariiradda Forbes, Bill Gates ayaa hadda haysta 118 bilyan oo doollar, balse lacagtaas ayaa hoos u dhici doonta maaddaama uu balaayiin doollar ugu deeqay hay’adda Bill & Melinda Gates oo uu la sameeyay xaaskiisii hore sanadkii 2000. Bartiisa Twitter ayuu Gates ku qoray in hay’adda ay sare u qaadi doonto kharashaadkeeda sanadlaha ah, oo hadda dhan 6 bilyan, ayna sanadka 2026 gaarsiin doonto 9 bilyan. Sababta ayuu ku sheegay xaaladaha ka taagan dunida, sida xanuunka Koroonaha, colaadda Ukraine iyo isbeddelka cimilada. “Mustaqbalka waxa uu qorshahaygu yahay in aan dhammaan maalkayga ku wareejiyo hay’addan. Taas ayaa ka dhigan in ugu dambeyn aan hoos uga dhici doono liiska maalqabeennada caalamka,” ayuu yiri Bill Gates. “Wuxuu waajib iga saaran yahay in aan dhaqaalahayga ku celiyo bulshada oo aan wax ka qabto dhibaatooyinka haysta, isla markaana aan wanaajiyo nolosha dadka. Waxaan filayaa in dadka hantida haysta ay sidan oo kale samayn doonaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Hay’adda Gates Foundation ayaa ka shaqaysa dalal badan oo caalamka ah si loo yareeyo xanuunka duumada, loo horumariyo waxbarashada, isla markaana wax looga qabto faya-dhowrka. Sanadkii 2020 waxaa lagu tilmaamay inay tahay hay’adda labaad ee ugu dhaqaalaha badan kuwa safamarlka ka shaqeeya, iyadoo hantideeda ay gaartay 49.8 bilyan oo doollar. Dadka dhaqaalaha ugu deeqa waxaa ku jira Warren Buffett oo ah bilyaneer sameeyay maalgashi badan. Inkastoo ay hay’addu wax wanaagsan qabatay, ayaa haddana waxaa su’aal laga keenay galaangalka ay ku leeyihiin maalqabeennada ku tabarruca dhaqaalaha ay hesho. Bill Gates ayaa sanadihii 1995 ilaa 2010 iyo 2013 ilaa 2017 ahaa ninka ugu hantida badan caalamka. Sanadkii 2017 ayaa waxaa kaalintaas kala wareegay Jeff Bezos oo leh shirkadda Amazon, halka Elon Musk uu hadda yahay ninka ugu taajirsan dunida. Bill iyo xaaskiisii Melinda Melinda ayaa sanadkii 1987 ku biirtay shirkadda Microsoft, waxaana ay isla sanadkaas Bill ku kulmeen xaflad casho oo ka dhacday New York. Sidaa ayay ku billaabeen haasawahooda, sida uu Bill Gates u sheegay barnaamij ay ka diyaarisay shirkadda Netflix. Melinda ayaa sheegtay in Bill uu inta ay wada socdeen u soo bandhigay ""faa'iidada iyo dhibaatooyinka uu leeyahay guurka"". Waxa ay sanadkii 1994 ku aqal-galeen jasiiradda Lanai ee gobolka Hawaii, iyagoo sida la sheegay kireystay dhammaan diyaaradaha helicopter-ka ah ee deegaankaas si ay uga hortagaan in dad aysan casuumin ay dul maraan jasiiradda. Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah, si wadajir ah ayayna u maamulaan hay'adda samafalka ee Bill & Melinda Gates. ""27-kii sano ee la soo dhaafay, waxaan korinnay saddex carruur ah oo aad u wanaagsan, waxaana samaynay hay'ad ka howlgasha guud ahaan caalamka, dadkana u sahasha inay helaan nolol caafimaad iyo wax-soo-saar leh. Waxaan ka sii wada shaqeyn doonnaa hay'adda, balse nooma muuqato in aan lammaane ahaan horumarkeenna ka sii shaqeyn karno wejiga xiga ee nolosheenna,"" ayay ku sheegeen war qoraal ah oo ay wadajir u soo saareen bishii May 2021." https://www.bbc.com/somali/articles/c2lxe30p4xyo +business Xabagta Soomaaliya laga helo ee dahabka u ah Spain "Gobollada Segovia, Ávila iyo Valladolid ee Spain waxaa yaalla hanti daahsoon. Bartamaha deegaannada Tierra de Pinares iyo Sierra de Gredos oo gobolladaas ka tirsan, waxaa ku yaalla keymo cuf ah oo cabbirkoodu uu gaarayo 400,000 oo hiktar oo ay ka baxaan geedo xabag ah oo buuraha ku dherersan. Keymahan oo laga dugaashado cadceedda Spain, ayaa waxay goob loo soo dalxiis tago u tahay dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha intaba. Haddii aad booqatana xilliga habboon oo aad si dhow u eegto, waxaad arkeysaa shaqaale ku dhex jira keymaha oo geedaha ka guraya xabagta oo loo yaqaanno ""dahabka dareeraha ah"". Geedka xabagta ayaa siyaabo kala duwan loo isticmaalayay muddo kumannaan sano ah. Dalka Spain iyo qeybo badan oo ka tirsan Mediterranean-ka, waxaa loo adeegsan jiray in biyaha looga celiyo maraakiibta, lagula tacaalo gubashada, toosh daciif ah, iyo waxyaabo kale. Balse sida uu qabo Alejandro Chozas, oo wax ka dhiga Jaamacadda Madrid, qarniyadii 19-aad iyo 20-aad ayay Spain ka soo caan baxday gurashada geed xabagta oo ay noqotay wax laga faa'iido. Markii ay korortay ilbaxnimada teknolojiyadda iyo warshadeynta bartamihii qarnigii 19-aad, milkiilayaasha keymaha cufan Pinus pinaster ayaa wuxuu u arkay fursad. Shaqaalaha ayaa bilaabay inay jaraan jiridda geedaha xabagta ee gobolka ku yaalla si ay uga faa'iideystaan. Inkatsoo hannaankan gaabiska ah uusan ka sii jirin dunida inteeda badan, haddana tobankii sano ee la soo dhaafay ayuu mar kale caan ka noqday Castilla y León, oo ah goobta ugu badan ee xabag cadaadda laga guro qaaradda Yurub. Mariano Gómez wuxuu ku dhashay Ávila muddo 32 sano ah ayuuna ka shaqeynayay gurashada xabag cadaadda. ""Aabbahay wuxuu ahaa dadka ka ganacsada xabag cadaadda isaga ayaana ka bartay. Markii hore wuxuu isticmaali jiray masaar, balse gacmaha ayay i xanuunjiyeen. Maanta qalab fiica ayaa jira, (balse weli) xoogga ayaa la maalaa,"" ayuu yiri. Hannaanka la soo bixidda xabag cadaadda ayaa ahaa mid aan is beddelin ilaa iyo imika oo ay warshado jiraan, balse ganacsatada xabag cadaadda ayaa la yimid qalab casri ah iyo waxyaabo kiimiko ah oo kordhinaya wax soo saarka xabagta. Sidaas darteed waxaa korortay faa'iidada laga helo wax soo saarka xabag cadaadda. Dawooyinkii ay masaaridii hore u adeegsan jireen kaydinta meydadka Shiinaha oo canshuurta ka dhimaya haragga dameeraha Bilaha kuleylaha ah ee March ilaa November, ganacsatada gudaha ayaa si taxadar leh ula soo baxa xabagta iyagoo marka hore ka diira qolofta kore ee jiridda geedka. Waxay kaddib meesha la diiray ka sameeyaan god waxayna dhex dhigaan weel yar oo xabagta lagu guro. Kaddib waxay la dhacaan masaar taa soo sababta in geedku dhiigo kaddibna xabagtu ku ururto weelka. Marka weelku buuxsamo waxaa laga heli karaa xabag ilaa 200 kg ah. Beeralleyda ayaa xabagta u dira warshadaha sifeeya, oo kaddibna la baxa xabagta saafida ah oo u ek dhagaxaan midab jaalle dahabi ah leh oo dhalaalaya. Markii uu ganacsigan ku xoogganaa Spain sanadkii 1961, ilaa 55,267 tan oo xabag ah ayaa laga soo saari jiray, iyadoo in ka badan 90% laga soo guri jiray keymaha gobolka Castilla y León. Dalabaad la'aan iyo qiimaha lagu iibinayay oo yar ayaa horseeday in ganacsigan hoos u dhaco kuna dhowaado inuu meesha ka baxo sanadihii 1990-meeyadii. Dad badan ayaa moodayay in tani micnaheedu yahay inuu soo afjarma dhaqankoodii. Ganacsigan keliya Spain kama ah mid dhaqaale lagala soo baxo, balse waxaa loo arkaa mid jiilba jiilka kale uu u gudbiyo oo la iska dhaxlo. Qoysas badan ayaa waxaa ku jira ugu yaraan hal qof oo ganacsigan ku lug leh. Sida ay muujinayaan daraasado badan oo la sameeyay, marka la eego xaddiga la soo bixidda shidaalka, waxaa loo maleynayaa in keydka shidaalka ee Dhulka uu dhammaan doono wixii loo gaaro 2050. Blanca Rodríguez-Chaves, oo ka tirsan Jaamacadda Madridahna khabiir dhanka siyaasadaha deegaanka ah, ayaa rumeysan in xabagtu ay noqon karto wax shidaalka looga maarmo. Wuxuu ku doodayaa in waxyaabaha ka sameysan patroolka, sida caagagga, tusaale ahaan, oo aan deegaanka u wanaagsaneyn, sidoo kale laga sameyn karo xabagta. ""Xabagtu waa shidaalka dunida ee maanta iyo mustaqbalkaba. Fakraddu waxay tahay in dhammaan waxyaabaha laga sameeyo shidaalka ay beddeli karto xabagta,"" ayuu yiri. Khubarrada ayaa sidoo kale aaminsan in ka ganacsiga xabag cadaadda ay xal u noqon karto dadka ka soo guuraya miyiga. Sida lagu sheegay daraasad uu sameeyay Bankiga, da' yar badan ayaa ka soo tagaya miyiga iyagoo doonaya inay shaqooyin fiicna ka helaan magaalooyinka. Si kastaba, xiisaha loo qabo xabag gurashada darteed, dhalinyaro badan ayaa bilaabay inay laabtaan oo ay bilabaaan gurashada xabagta. Guillermo Arranz wuxuu ka mid yahay dhalinyaradaas. Wuxuu ku nool yahay kana shaqeeyaa deegaanka Cuéllar (Segovia)waana jiilkii afaraad ee qoyskiisa ee xabag gurashada ka shaqeysta. ""Keymaha xabagtu ka baxdo waa xafiiskeyga iyo waxa ii suurto geliyay inaan ka sii shaqeeyo halka aan ku dhashay. Waxa aan ku jeclaaday shaqadeyda waa xoriydda, iyo dabcan inaan xiriir toos ah la sameynayo dabiiciyadda iyo dadka."" Ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/war-59087691 +business Ganacsiga Qaadka: Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay warka ku saabsan fasixidda Jaadka Kenya Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay arrimaha la xiriira ganacsiga qaadka Kenya ee ay warbaahinta qaar tabisay in dhowaan dib loogu fasixi doono Soomaaliya. Sarkaal sare oo ku dhow maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo waxyaabaha looga arrinsanayo uu ku jiro qaadka. Balse, wuxuu sheegay in Soomaaliya qudheeda ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mirodhal ah. Dowladda Kenya ee uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ayaa codsatay in laga qaado xayiraadda saaran dhoofinta qaadkii la gayn jiray Soomaaliya, si loogu daneeyo ganacsatada beeraha qaadka ee dalkeeda. Mowduucan ayaa ahaa mid uu in muddo ahba muran ka taagnaa, tan iyo markii ay xayiraad kusoo rogtay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xogta ay BBC-da ka heshay ilaha dowladda ayaa sheegeysa in weli uu socdo wadaxaajoodka labada dowladood, go'aan rasmi ahna aan la gaarin. Soomaaliya ayaa mas'uuliyiinta Kenya ka dalbatay in loo hirgeliyo dhowr arrin oo ay ka mid yihiin: In muddo ahba Soomaaliya ayaa u hanqal taagaysay in ay xubin ka noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika, oo hadda ka kooban toddobo waddan oo kala ah: Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda, Suudaanta Koonfureed iyo Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo. Dowladda Soomaaliya ayaa markii uu wadahadalkan furmay waxyaabaha ay Kenya ka codsatay waxaa ka mid ah in ay kala shaqeyso sidii ay uga miro dhalin lahayd hammigeeda ku aaddan ku biiritaanka ururkaas oo magaciisa loo soo gaabiyo EAC. Kenya ayaa ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee EAC, waxayna kaalin weyn ka qaadatay ka mid noqoshadii Koonfurta Suudaan ee ururka oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biira. Dalalka ku mideysan dalladdan ayaa wadaaga xiriir dhow. Dhammaan muwaadiniintooda ayaa loo oggol yahay in ay waddamadan isaga kala gooshaan, ganacsi xor ahna isu kala gudbiyaan si fudud. Ujeeddada ay Soomaaliya ka leedahay xubinnimada EAC waxaa ugu wayn in la xoojiyo dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee Soomaaliya iyo in dadka wata baasaboorka Soomaaliya ay dal-ku-gal-la'aan ku dhex safri karaan waddamada ku jira ururkan Bariga Afrika. Haddii ay arrintaas hirgasho, ganacsatada Soomaalida ayaa heli doona xuquuq la mid ah tan dalalka kale, waxayna heli doonaan fursado ay badeecooyinkooda kala duwan ku dhoofiyaan. Qodobbada muhiimka ah ee Soomaaliya ay ka rabto dhinaca Kenya waxaa ka mid ah in muwaadiniinta Soomaalida loo fududeeyo safarrada ay ku tagayaan Kenya. Qof walba oo ku dhoofaya baasaboorka Soomaaliya ayaa marka uu tagayo Kenya laga doonayaa in uu qaato dal-ku-gal ka hor inta uusan diyaaradda raacin. Mararka qaar waxay helista dal-ku-galka qaadataa dhowr bil, lacag badanna way uga baxdaa. Inkastoo tan iyo sanadkii hore ay muwaaddiniinta Kenya ee u safraya Soomaaliya lagu qasbay inay online-ka ku sii dalbadaan dal-ku-galka, haddana waxaa horay caadi u ahayd inay dal-ku-galka Soomaaliya qaataan marka ay ka degaan garoonka Aadan Cabdulle. Marar badan ayuu soo noqday mowduuca fududeynta safarrada Soomaalida ee ku wajahan Kenya, hase yeeshee, wali si toos ah looguma guulaysan. Ilaha dowladda Soomaaliya ee xogta aan ka helnay ayaa noo xaqiijiyay in Soomaaliya ay sidoo kale doonayso in Kenya loo dhoofiyo kalluunka Soomaaliya. Qodobkan ayaa isagana ahaa mid dhowr jeer oo hore la soo hadal qaaday, qaybna ka ah ganacsiyada ugu waawayn ee dhex mari kara labada waddan ee deriska ah. Soomaaliya ayaa doonaysa in suuqa kalluunka ay kasoo xareyso dhaqaale xoog leh, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Haddii la billaabo dhoofinta Kalluunka, waxay taasi waddada u furaysaa badeecooyin kale oo laga dhoofin karo Soomaaliya, sida dalagyada beeraha iyo xoolaha nool. Taas oo ay sii dheer tahay suuqa weyn ee dalalka ku bahooday Ururka Bulshada Bariga Afrika. Galinkii hore ee maanta ayay dowladda Kenya shaacisay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii saarnaa qaadka ka imaan jiray Kenya. Waxaa sidaas sheegay wasiirka beeraha Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlay maanta oo Jimco ah. Wuxuu sheegay in wadaxajoodyada arrintaa ku aaddan la soo afjarayo dhowaan, labo toddobaad kadibna la saxiixi doono heshiis rasmi ah. Peter Munya ayaa uga mahadceliyay maxadweyne Kenyatta oo arrintan wadahadal kala yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Kenyatta ayaa ka mid ahaa madaxdii ka qaybgashay caleemo-saarkii madaxweynaha Soomaaliya ee la qabtay Khamiistii shalay ahayd. https://www.bbc.com/somali/war-61761625 +business Afrika: Sida Baraha Bulshada loogu isticmaalo xayeysiin ahaan Shirkadaha ganacsi ee ka shaqeeya Afrika ayaa Baraha Bulshada ugu sticmaala dhinaca xayeysiiska si ka badan shirkadaha kale ee caalamka, sida lagu muujiyay cilmi baaris cusub. Ku dhawaad 75% ka mid ah shirkadaha Afrika ayaa ku tiirsan baraha bulshada si ay ugu suuq geeyaan badeecooyinkooda iyo wax soo saarkooda. Waxay tiradaas aad uga badan tahay marka la isku daro guud ahaan tirade shirkadaha ku yaalla dunida inteeda kale, kuwaasoo 52% ku tiirsan braha bulshada. Xogtan cusub waxaa lagu soo bandhigay daraasadda adeegsiga baraha bulshada ee ay warbaahinta la wadaagtay shirkadda dabagalka ku sameysa dhaqdhaqaaqyada online-ka ee lagu magacaabo Meltwater. “Iyadoo ay jirto hubanti la’aan ku aaddan xaaladda dhaqaalaha, shirkado badan oo waaweyn ayaa la yimid hal abuur si ay u suuq dheeri ah ugu helaan wax soo saarkooda,” ayey tiri Lays Bammesberger oo ah madaxa qeybta dhaqaalaha ee shirkadda Meltwater. Daraasadda ay soo saratay shirkaddan fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa muujineysa in sagaal ka mid ah toban shirkadood oo ka howl gala Afrika ay isticmaalaan Facebook, iyagoo ka dhigay Facebook barta bulshada ee ay ugu isticmaalka badan yihiin hay’adaha. Iyadoo diiradda la saarayo in magaca shirkadaha la ogeysiiyo dadka ayey kalabar ka mid ah shirkadaha caalamka sheegaan in hubanti la’aanta ka dhirta xaaladda dhaqaalaha ay sababtay in baraha bulshadu ay yeeshaan muhiimad aad u weyn. Shanta shaashadood ee waxtarka weyn u leh ganacsiyada Afrika ayaa kala ah Facebook (boqolkiiba 88),  Instagram (boqolkiiba 76), LinkedIn (boqolkiiba 74), Twitter (boqolkiiba 67) iyo WhatsApp (boqolkiiba 58). Marka la eego dhinaca kobaca, isticmaalka TikTok ayaa si weyn uga kordhay gobolka, iyadoo kala bar ka mid ah shirkadaha Afrika ay qorsheynayaan in ay bartan bulshada adeegsadaan sanadkan 2023-ka. Isticmaalka WhatsApp ee gudaha Afrika ayaa celcelis ahaan boqolkiiba 35 ka sarreeya caalamka intiisa kale. Warbixintan waxay ku saleysan tahay daraasad xog aruurin ah oo ay Meltwater ka sameysay in ka badan 1,700 qof oo isugu jira dadka ka shaqeeya suuq geynta iyo shaqaale rasmi ah oo ka howl gala Afrika iyo dunida inteeda kale. https://www.bbc.com/somali/articles/clwnpdev30wo +business Okiyaale lagu xaraashay 340 kun oo doollar "Muraayadihii ama okiyaalihii uu xiran jiray halgamaagii reer Inida ee Mahatma Gandhi, midkood ayaa lagu xaraashay lacag dhan 340 kun oo doollar. Muraayadaha ayaa lagu xaraashay muddo lix daqiiqo ah, waxaana la filayay in lagu xaraashi doona 20 kun oo doollar, balse qiimaha waa uu ka batay intaas. Mid ka mid ah shaqaalaha East Bristol Auctions oo ah xarun agabka qadiimka ah lagu xaraasho ayaa muraayaddaa bil kahor ka helay baqshad ay ku jirtay. Adrew Stowe oo ka tirsan shirkaddaa xaraashka agabka qadiimka ah ayaa sheegay in ay tahay wixii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhd shirkaddaas. Wuxuu sheegay in qofkii lahaa muraayaddaa '' wadnuhu is taagi gaadhay"" markii loo sheegay qiimaha muraayadda. Wuxuu qofkani sheegay in lacagta uu ka helo xaraashka okiyaalah uu u kala qeybin doona gabdhihiisa. ''Qof ayaa noogu soo diray boosta Jimcihii, oo waxay iskaga jirtay ilaa Isniintii. Mid ka mid ah shaqaalahayaga ayaa bashqadda ii dhiibay oo igu yidhi waxa laa socda qoraal sheegaya in ay tahay muraayaddii Gandhi"", ayuu yidhi Stowe. '' Dabeedna hawl maalmeedkaygii baan iska sii watay, intaan idhi waaba arin xiiso leh waxani"". Hase yeeshee markii uu baadhay, ayaa Stowe waxa uu sheegay inuu ''kursiga ka dhici gaadhay'' markuu arkay muraayaddan goobaabada ahi in ay tahay tii uu xidhan jiray halgamaagii xuquuqda dadka reer India. ''Waxaan telefoon u diray qofkii noo soo diray, waxaanan u malaynayaa markaan u sheegay in isagana wadnuhu istaagi gaadhay'', ayuu yidhi. Stowe wuxu sheegay in qofkii muraayaddan lahaa uu u sheegay inuu qoyskiisu muddo dheer jiil ba jiil u soo gudbinayey oo qof ka mid ah awowyaashii kula kulmay Gandhi qudhiisa dalka Koonfur Afrika sanadihii 1920. ''Waxaanu dib u hubinay taariikhda la sheegay, wixii la noo sheegay oo dhamina sax ayay noqdeen ilaa xataa taariikhda markii ugu horraysay ee Gandhi bilaabay inuu xidho ookiyaaleyaasha noocan ah'' ayuu dyidhi. ''Waxa suurto gal ah in muraayadii ugu horraysay ee loo qoray ay tahay maadaama oo cabirka digriigu yahay mid aan aad u badnayn. Waxaana lagu yaqaanay inuu wixiisa hadyad ahaan dadka u siin jiray"" ayuu yidhi. Stowe waxa kale oo uu sheegay in muraayaddani xiiso gaara dadka ku abuurtay, gaar ahaan dadka reer India, laakiin arinta nasiib wanaagga ayaa ah in ay isaga u soo gacan gashay. ''Baqshadda waraaqaha lagu rido ayay iskaga jirtay"" ayuu yidhi. ''Waxa suurto gal ah in la xadi lahaa amaba si ismoodsiis ah xashiishka loogu dari lahaa. Run ahaantii muraayaddani waa wixii ugu qiimaha badnaa ee shirkaddu weligeed gacanta ku dhigto"" ayuu intaa ku daray." https://www.bbc.com/somali/war-53885655 +business Dal magaalooyin ka dhisaya badda dusheeda Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa markii ugu horreeysay magaalooyin ka dhisaya badda dusheeda, waxaana mashruucan ka tageereysaa Qaramada Midoobey. Mashruucan ayaa la filayaa in la dhameystiro dabayaaqada sanadkan. Ujeedka magaalooyinkan looga hirgelinayo badda dusheeda ayaa ah sidii looga hortaggi lahaa dhibaatootyinka ka dhasha cimilada kulul iyo sare u kaca biyaha badda. Waxaana kamid ah magaalo laga dhisayo meel u dhaw xeebaha Busan oo inta badan ka hortagga muujadaha badda iyo daadaadka. Injineerada naqshadeynayo mashruucan ayaa ku rajo weyn in dhistaanka magaalooyin dhowr ah oo isku filan isla markaana leh korontada cadceeda laga dhaliyo, lagana heli karo adeegyada cuntada iyo biyo nadiif ah. Mashrcuucan ayaa qeyb ka ah heshiis lala galay Qaramada Midoobey kaas oo looga golleeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa nolosha ku dhawaad 6 dal oo ku yaalla dunida. Busan waxaa ku nool 3.4 malyan oo qof, waxaana ku yaalla mid kamid ah dekedaha ugu mashquulka badan adduunka, waxay kamid tahay meelaha ugu halista ugu jira saameynta ka dhalan karta sare u kaca heerka biyaha badda. Khuburrada waxay saadaalinayaan in dabayaaqada sanadkan ay sare u kici karaan heerka biyaha badda taas oo saameyn ku yeelan karta nolosha malaayin qof oo ku nool magaalooyinka dhaca xeebaha ee adduunka. Kuuriyada Koonfureed ayaa halis ugu jirtaa masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, dhul go'a, fatahaadaha iyo dhul gariirka. Waxay ku rajo weyn yihiin in magaalooyinka laga dul dhisayo badda ay ka hortaggi karaan halista noocaas ah. Waxaana lagu wadaa in marka la dhameystiro mashruucan in la dejiyo 10,000 qof. Magaalo ay gawaarideeda kala hagaan boombaleyaal Magaalada ay guryaheeda dul sabeynayaan biyaha badda Magaalo jab dagaal uga badbaadday taleefan ay haweeney soo dirtay Netherlands ayaa ka mid ah meelaha sida tijaabada looga hirgelinaya mashruucan maadama dalkan ay dhibaato ku hayaan sare u kaca biyaha badda. Sida ku xusan daraasad la sameeyay, dalka Netherlands wuxuu dhaqaale badan ka sameeyaa guryaha laga dul dhisay biyaha badda, kuwaas oo qaarkood uu ka muuqdo naqshadihii hore ee taariikhda u ahaa waddankaas. https://www.bbc.com/somali/59446811 +business Taajirnimo: Sidee maalqabeen ku noqon kartaa? raac 10 qodob "Jeff Bezos waa ninka ugu taajirsan caalamka wuxuuna hoggaamiyaa mid ka mid ah shirkadaha ugu guusha badan caalamka, waana shirkadda Amazon oo isga uu ka yahay milkiile. Ma ahan buunbuunin, in la dhoho shirkaddaas teknolojiyadda ma guuleysan lahayn haddii aysan ahayn dadaalka adag ee uu ku bixiyay Jeff Bezos. ""In shirkaddan ahayd bakaahro loo badalo mid wax walba iibisa, waxay u baahan tahay maskax badan, qorsheyn la xiriirta in khatarta loo bareero iyo hal-abuur,"" waxaa sidaasi yiri saxafiga lagu magacaabo David Baker oo barnaamij uu ugu magac daray ""Inside the Mind of Jeff Bezos"" sameeyay. Jeff Bezos Higsiga kuma koobnayn oo kali ah hal-abuurka ganacsiga, ee waxay ahayd mid ku saabsan waxyaabihii uu daneynayay"". Balse su'aashu waxay tahay sidee ayuu Bezos hormarkan ku gaarsiiyay shirkadda? Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa 10 qodob o horseeday gusha uu gaaray milkiilaha Amazon, Jeff Bezon. Bezos, markii uu yaraa wuxuu aamin sanaa aragtida la xiriirta awoodda hal-abuurka. Waxaa uu xilliyada xagaaga, waqti la soo qaadan jiray awowgii oo ku nool tuula yar oo ku taalla gobolka Texas, Waxaa uuna xilligaa hagaajin jiray wax walba oo farsameyn iyo hal-abuur u baahan. Awoowgii ayaa mar waxaa lacag badan looga qaatay hal-abuurka arrimaha casriga ah, ka dib markii uu shil gaari uu galay, uuna ku waayay suulkiisa. Wuxuu galay qalliin loogu sameeyay suul macmal ah iyadoo la adeegsanayo qaab casri ah. Waa sheekadan midda uu ilaa maanta ka sheekeeyo Bezos. Tom Alberg ayaa ku tilmaamay agaasimihii hore ee shirkadda Amazon, Mr Bezos ""mid u dhashay sida loola dhaqmo macaamiisha"". Wuxuu intaa ku daray: ""Wuxuu donayaa in caalamka uu wax ka badalo, waxayna maskaxdiisa mar walba ku xiran tahay qancinta macaamiisha. Haddii aad lacag sameysid wax badan ayaad qaban kartaa."" 3. Dib u laabo ka dibna horey isu ballaari Sunil Gupta, oo ah macllin dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Harvard, ayaa hal-abuurka Amazon ku tilmaamay wax soo saar cusub iyo adeeg uu ku qeexay ""dib u noqo ka dib-na horey isu ballaari,"" taasoo uu ku micneeyay in dib loo laabto oo la darso waxyaabihii sababay dhibaatooyiinka ay wajaheyso Shirkadda, ka dib-na horey loo socdo. Waxay arrintani micnaheedu yahay in shirkadad Amazon ay ka fikirto waxa ay macaamiisheeda rabaan ka dib-na ay ka shaqeyso sidii ay u heli lahaayeen. Warbixin kasta oo sannadle ah oo ay soo saarto shirkadda Amazon, waxaa lagu soo daraa nuqul ka mid ah warqaddii ugu horeysay ee dadkii shirkada saamiga ku lahaa. Waxaa khudbooyiinka lagu daraa muhiimadda ay leedahay in laga fakaro in maalintaas ay tahay ""maalinkii ugu horeeysay"" ee shirkadda, taasi oo micnaheedu yahay in mar walba la joogteeyo oo la sii wado baahidda iyo oonka loo qabo hal-abuurka iyo guusha ganacsiga. In maalintaasi loo fakaro waxay tahay xilligii labad ee Bezos uusan khiyaarka lahayn. Waa taa midda ay muhiimad u leedahay in loo fikiro in shirkadda ay maalintaas soo billaabatay, dhidibadana loo aasay,"" ayuu yiri. Markii ay sida xowliga ah ku bilowdeen bogagga internet-ka, sannadkii 2000, oo amnigoodana uu halis ku jiray, Bezos wuxuu u bareeray halista wuxuuna Amazon u furay dad kale oo dibadda ah oo maalgashan kara. Waxay ahayd tallaabo lama filaan ah, wuuna ku faa'iday. Meelaha uusan guulaha waaweyn ka gaarin waxaa ka mid ah in uu galay ganacsiga mobile-lada. Sikastaba, sida Bezos u aaminsan yahay in halista loo bareero waa mid aad u xoog badan. Sidoo kale, Caadi ayay la tahay in uu isaga haro mashaariicda qaar, uuna ku daro waxyaabaha uu khibradda u soo yeeshay. John Rosman, oo horey Amazon uga ahaa madaxa fulinta iyo qoraaga The Amazone Way, wuxuu sheegay in Jeff Bezos ""uusan dan ka lahayn in uu gaaro go'aan uusan garaneyn meesha uu ku socdo iyo halka lagu gaari karo,"" waxaana tusaale u ah Teknolojiyadda Alexa. Mashaariicda aysan ka muuqan natiijo wanaagsan ma ahan oo kaliya mid qeexeya sida Bezos uu ugu bareerayo khatarta, balse waa mid muujinaysa go'aanka uu ka qaato guuldarada. In guuldarada aanan ka cabsan waxay barbar socotaa in guuldarada aadan ka qoomameyn. Bezos ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan arrintan, mar uu dod la galay Matthias Dobfner, oo ah madaxa shirkadda wax daabacda ee Axel Springer. ""Markaad ka fikirto waxyaabaha aad ka qoomameyn doonto, marka aad gaarto da'da 80 sano jir, waa waxyaabaha aanan wali sameynin. Waxaa dhif iyo naadir ah in aan ka shalaayno wax aan sameynay laakiin sidii la rabay u shaqeyn waayay ama fashilmay."" Ninka wax ka qoray Bezos, Brad Stone wuxuu rumeysan yahay in madaxa shirkadda Amazon uusan dimuqraadiyadda aaminsanayn, marka ay timaado in go'aanka ugu dambeya la qaato xilliyada la fadhiyo shirka guddiga fulinta ee shirkadda, haddana wuxuu Bezos sidoo kale aminsan yahay in ay wanaagsan tahay in la yeesho dood daacadnimo ku dhisan. John Rosman ayaa rumeysan in shirkadda Amazon ay arrintan kaga duwan tahay shirkadaha kale ee la midka ah. Bezos waxaa uu tartan adag kula jiraa shirkado. Wuxuu Brad Stone tusaale u soo qaatay shirkadda teknolojiyadda ee Alexa. Waxay u muuqatay in markii shirkadda Apple ay sameysay barnaamijka Siri, in shirkadda Google na ay noqon karto mid leh cod wax walba qeexaya. Waxaa uu yiri: ""Shirkadda Amazon wax micno ah ma aysan u lahayn oo hormuud uma ahayn dhanka tiknoolajiyada, balse Jeff Bezos waxaa uu ahaa agaasimaha mashruuca Alexa, waxayna shaqa abuur u noqotay illaa 10,000 oo qof, sababtoo ah ma uusan dooneyn in uu quusto oo ay xilligaasi guusha raacdo shrkadaha kale ee tartan kula jiray."" In la qorsheysto illaa wax yaabaha suuragalka ah mustaqbalka fog ayaa udub dhaxaad u ahaa guusha Bezos iyo shirkadda Amazon. John Rosman ayaa farta ku fiiqay in Bezos ""uu doonayo, uuna dulqaadkeeda leeyahay, in 10 sano uu sugo si uu lacag u sameeyo, wuxuuna u dhabar adeygaa shayga uu u arko in horumar lagu gaarayo""." https://www.bbc.com/somali/war-55150113 +business Tagaasida duula: Waxaa suuragal ah in tagsi duulaya aad raacdo seddax sano gudahooda "Dad badan waxaa maskaxdooda ku soo dhici kara in ay is waydiiyaan halka ay ka timid fikradda tagsiga duula, kaas mar laga arki jiray muuqaallo taxane ahaa oo la oran jiray The Jetsons. Muuqaalladan waxaa la baahin jiray 1960-meeyadii, waxay ka shekeyn jireen qoys ku noolaa magaalo, waxayna ahayd in mustaqbalka shaqada lagu aado tagaasida duusha. Labaatan sano ka dib qarniga 21-aad, fikraddii seyniska aheyd ayaa rumowday, taas oo daah uu ka rogay filimkii The Jetsons. Waxaana lagu wadaa in la soo saaro 430,000 oo tagaasida duusha ah, marka la gaaro 2040, kuwaas oo si rasmi ah u howlgeli doono, sida ay sheegayaan wararka. Waxaa sidoo lagu wadaa in ay soo ifbaxaan diyaaradaha Drones-ka ee duuliyaha uusan saarnayn, oo dadka guryahooda ugu geyn doono wixii ay doonaan. Waxaa la filayaa in arrintaas ay billaabato marka la gaaro sannadka 2028. Maadama ay suuqa qabsan doonaa mustaqbalka, tagaasida duusha iyo Drones-ka waa in loo sameeyo garoomo yar yar oo ku degi karaan, si magaalooyinka ay uga yaraadaan saxmadda iyo ciriiriga ka dhasha aaladahaas. Garoomadan waxaa loo bixin doonaa 'Skyports' si dadka dalbada ay uga qaadaan goobahaas. Shirkadda Joby Aviation ee fadhigeedu yahay gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa garwadeen ka ah dadaallo lagu sameeynayo tagaasida duusha, haatan waxay sameysay ilaa 1,000 tijaabo ah oo ku saabsan tagaasida duusha ee loo yaqaano eVTOL. Waxay shirkaddan ku rajo wentahay in waaxda duulaamdka Mareykanka ay ka heli doonto ogolaansho iyo ansixin ku saabsan howlgelinta tagaasida duushada si howshan u bilowdo sannadka 2024. Tagsiga duulaya ee ay tijaabisay shirkaddan waxay qaadi karaan afar qof oo rakaab ah, wuxuu jari karaa masaafo dhan 322km saacadiiba. ""Waxaan saadaalineynaa in adeegeena dhanka hawada ee tagaasida ay isaga kala gooshi doono goobaha dadka ay ku badan yihiin sida magaalooyinka iyo xarumaha shaqo,"" ayuu yiri Oliver Walker-Jone, oo ah afhayeen u hadlay shirkadda Joby. ""Waxaan la shaqeyneynaa maamulada magaalooyinka si adeegyadeena uu ugu xirnaado gaadidyada kale, si garoomadeena looga ag dhiso tareenada, garoomada diyaaradaha iyo goobaha kale"". Shirkadda Joby waxay horraan iskaashi u la sameysay shirkadda teknooloojiyadda Reef ee qaabilsan adeegyada goobaha la dhigto baabuurta kuwaas oo siiyay garoon yar oo tagaasidan duusha la dhigo karo. Sidoo kale waxay heshiis la galeen shirkado kale si loogu ogolaado in halkaas ay ka sameystaan goobo laga raaco tagaasidan. Magaalooyinka Houston, Los Angeles iyo Orlando ayaa horey u shaaciyay qorsheyaal ay ku sameynayaan xarumo laga raaco ama ay ku degaan tagaasida duula iyo adeegyada kaleba. Duqa magaalada Los Angeles ee Mareykanka, Eric Garcetti, wuxuu sheegay in qorshaha uu shaaciyay maamulkiisa uu yahay mid ka qeyb qaadan doono sidii maamulada kale ay uga shaqeyn lahaayeen in lagu guuleysto teknolojiyaddan. Dowladda UK waxay taageertay qorsheyaal markii ugu horreysay dalkaas looga dhisayo garoomo ay ku degi karaan tagaasida duulaya. Haddii taas la hirgeliyo, wuxuu noqon doonaa xaruntii ugu horreysay ee tagaasida duusha iyo diyaaradaha Drones-ka ee badeecadaha qaada. Waxaana naqshadda qorshahaas sameysay shirkadda Hyundai ee fadhigeedu yahay UK. Waxaana loogu magac daray ""garoomada diyaaradaha ee ugu yar adduunka"" si looga hortaggo wasakheynta hawada ee qeybta ka ah qiiqa ka soo baxa baabuurta xamuulka iyo tagaasida. Khuburrada waxay ka digayaan dhowr caqabadood oo soo wajahi kara mustaqbalka tagaasida duusha, gaar ahaan dhibaatooyinka ka dhalan kara garoomada ay ka duuli karaan. ""Iyadoo adeegan uu ina xusuusinayo filimkii The Jetsons, inta aanan la gaarin ka miro dhalinta qorshahan, waa in la eegaa dhowr caqabadood oo ku hor gudboon arrintani,"" waxaa sidaas tiri Jennifer Richter, oo ah qareen ka howlgasha Mareykanka oo ku takhasustay sharciyada la xiriira Drones-ka iyo takaasida duusha. ""Waxaan ka mid ah caqabadahaas, in marka hore ay dadweynaha aqbalaan adeegan; in si xowli ah loo soo saaro; in la xoojiyo awoodda iyo maaliyadda kaabayaasha la xiriira adeegan iyo in la hormariyo maamulka hawada ee adeegan,"" ayay tiri Jennifer Richter." https://www.bbc.com/somali/war-58970146 +business Dhoofinta qarsoodiga ah ee Jaadka ma waxaa lagu qariyaa hub? "Warbixin uu soo saaray Macadka Daraasaadka Amniga ayaa lagu sheegay in sharciyada kala duwan ee Jaadka ay u adeegsadaan dalalka Bariga Afrika ay horseedeen sare u kac ku yimid ganacsiga sharci darrada ah ee daroogada. Sida lagu qeexay warbixinta, bishii March ee sanadkii 2020 ayay dowladda Soomaaliya joojisay duullimaadyada tagaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho sababo la xiriira cudurka Covid-19 ee dillaacay. Hase yeeshee, ugu yaraan labo diyaaradood oo la filayay inay keenyaan gargaarka bani'aadannimo iyo dawooyinka cudurka safmarka ah loogu talogalay ayaa la qabtay iyagoo si qarsoodi ah u dusinaya dhowr tan oo Jaad ah. Duullimaadyadan waxay ka weecdeen garoonka Muqdisho waxayna isticmaaleen garoomada yar yar ee Buuhoodle iyo Jowhar, kuwaasoo baaritaannada laga sameeyo ay khafiif yihiin. Bayaanka kasoo baxay macadka cilmi baarista amniga ayaa sidoo kale lagu sheegay in muddadaas gudaheeda uu dib u furmay qaabkii hore ee loo kala gudbin jiray Jaadka, sidoo kalena lagu lifaaqo badeecooyin kale oo sharci darro ah sida walxaha qarxa ee ay adeegsadaan kooxaha loogu yeero argagixisada, iyo sidoo kale gacansi sharci ah oo uu ka mid yahay kalluunka. Marinnada cusub ee ay adeegsanayaan dadka ganacsigaas kala gudbiya ayuu macadku ku tilmaamay dhinaca badda, gaar ahaan Lamu oo Kenya ka tirsan iyo Raas Kambooni oo Soomaaliya ka tirsan. Inta badan dad dambiileyaal ah oo howlo sharci darro ah faraha kula jira ayaa safriya badeecooyinkaas oo qaarkood ay mamnuuc ka yihiin gobolka oo dhan. Khabiir dhinaca la dagaallanka argagixisada ah oo magaciisa la qariyay ayaa laga soo xigtay in mukhalasiinta dadka kala dhoofiya laftoodu ay qeyb ka yihiin socodsiinta ganacsiga Jaadka ee la marinayo waddada dhinaca badda ah. $10 ayuu sheegay in lagu qaado halkii kiilo ee Jaad ah, taasoo toban jibaar ka badan lacagtii horay loo faa'iidi jiray ka hor inta aan la joojinin dhoofinta sharciga ah ee Qaadka. Jaadka oo ah jeed ka baxa waddamada bariga Afrika qaarkood ayaa laga oggol yahay Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Jabuuti, waxa uuna ka mid yahay ganacsiga maalinlaha ah ee dhaqaalahana laga sameeyo. Dalalka dhoofiya oo ay ka mid yahay Kenya ayaa dakhli badan kasoo xareeya, kaasoo gaaraya ilaa $400,000 maalintiiba, waddanka ugu weyn ee Jaadka Kenya la geeyana wuxuu ahaa Soomaaliya. ""Dhamaadkii bishii January, xilli uu sii kordhayay dhaqdhaqaaqa qarsoodiga loogu gudbiyo Jaadka, Soomaaliya waxay mar kale oggolaatay in Jaadka laga soo dhoofiyo Kenya iyadoo shatiyo cusub loo sameysanayo shuruuc hor lehna loo marayo. Wali waa lama gaarin waqti la ogaan karo in oggolaanshahaas uu saameyn ku yeesho kala gudbinta badeecooyinka sharci darrada ah,"" ayaa lagu yidhi warbixinta macadka cilmi baarista amniga ee Bariga Afrika. Caalami ahaan, Jaadka waxaa lagu tilmaamay inuu yahay maandooriye ku biiraya badeecooyinka la mamnuucay. Waxaa jira badeecooyin aan hoos imaanin saddexda qaraar ee caalamka uu ku heshiiyay si loo xakameeyo maandooriyeyaasha, kuwaasoo soo kala baxay 1961, 1971 iyo 1988. Sidaas darteed dalalka ayaa ku kala aragti duwan habka loo wajahayo Jaadka, iyadoo qaarkood ay mamnuuceen kuwo kalena iska fasaxeen. Rwanda oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ayuu mamnuuc ka yahay jaadka, qof walba oo lagu arkana wuxuu wajahayaa xarig 7 sano ilaa xabsi daa'in ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $30,000 oo doolar. Muddo qarniyo ah ayuu geedkan ka baxayay Kenya, waxaana jira dad badan oo la qabsaday isticmaaliika, ayna ku adag tahay inay joojiyaan. Hase yeeshee, Hay'adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in qofka muddo dheer cunayay qaadka ee joojiya ay yartahay saameynta caafimaad ee uu ku yeesho. Tanzania, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Soomaaliya ayaa ah waddamada ay dadka ugu badan ka isticmaalaan Jaadka, halka ganacsato badanna ay nolol maalmeedkooda ugu tiirsan yihiin." https://www.bbc.com/somali/war-56933317 +business Maxay ahayd Dhalada 140 sano meel taalay ee lagu iibiyay 120 kun oo doolar? Mid ka mid ah dhalooyiinka ugu da'da wayn ama ugu qadiimisan oo ay ku jirto khamriga loo yaqaano Cognac ayaa lagu iibsaday lacag dhan £118,580 ka dib markii la geeyay suuqa xaraashka. Dhaladan ayaa lagu iibiyay qaaba xaraash ah oo Online ah. Dhaladan ayaa waxay soo jirtay ilaa iyo sanaddii 1762 waxaana 140 sano lagu hayay qolka qoys ku nool dalka UK. Dhaladan waxaa iibsaday shirkad laga leeyahay Eesshiya taasi oo uruurisa waxyaabaha qadiimiga ah islamarkana waxay noqotay dhaladii ugu qaalsanayd ee u ku jiro dareeraha. Dhaladan waa mid ka mid ah saddex dhalo oo ay ku jiraan khamriga loo yaqaano Cognac ee ilaa iyo imika jira islamarkana qadiimiga ah. Mid ka mid ah dhalooyiinka ayaa 2014 lagu iibiyay madxaf ku yaalla Faransiiska iyada oo uu qiimaha ahaa £48,000,. https://www.bbc.com/somali/war-52844977 +business Gabadh soo saartay shanlo cusub oo dhiirogalin u noqotay dumarka Afrikaanka ah "Haweenay soo saartay shanlo cusub oo loogu talogalay timaha dumarka Afrikaanka ah ayaa doonaysa in dumarka da'da yar ee Afrikaanka in ay ku dhiirogaliso in galaan xirfadaha injineeriyadda, ""Waxaan jeclaan lahaa markii aan yaraa in ay wax I barto haweenay madoow ah"" ayay tiri Yumna Maxamed, oo ku dhaqan magaalada Swansea ee UK. Waxa ay dhowaan heshay aqoonsiga Akadeemiyadda Boqortooyada ee injineeriyadda, iyada oo laga caawinayo in ay sii horumariso wax soo saarkeeda shanlada. Wax ka yar boqolkiiba 2% ee dadka ku jira xirfadda injineeriyadda ayaa ah dumarka kasoo jeeda dadyoowga laga tirada badanyahay ee Ingiriiska. ""Waxaan rabaa in aan qeyb ka noqdo isbadalka, si qofka da'da yar ee gadaashay dhasha ay u helaan meel ay ku dareemi karaan ka mid ahaanshiyo iyo aqlabaad dheeri ah"" ayay tiri. Waxa ay wadday waxbarashadeeda heerka ugu sareeya ee Phd-ga markii ay ku dhalatay fikradda shanlada caynkan ah, oo magaceedu yahay Nyfasi Deluxe Detangler. Taas oo jilcinaysa timaha Afraha ee dumarka madoow. Intii ay wax baranaysay waxa ay lacagta waxbarashada kasoo saari jirtay shaqo dhanka adeegtonimada ah iyo haynta gabadh yar, taas oo marka la oyn jirtay xanuunka ay dareento marka timaha loo hagaajinayo. ""Markii dambe ayuu igu dhashay fikirkani ah in aan xal u keeno dhibaatada gabadha yar haysata"" ayay tiri haweenaydan. Markii ay soo saartay noocii tijaabada, ayay raadisay dumar madoow ah oo ay ku tijaabiso, taas oo markii dambe si wanaagsan u shaqaysay. ""Marka timaha la dhaqayo waa arrin aad u daran oo xanuun badan, balse markii qalabkan cusub ee shanlada ah aan ku tijaabiyayna waa ay wada jecleysteen"" ayay tiri. Keliya ma doonayso in tani ay u noqoto fikrad ganacsi, balse waxa kale oo ay sheegtay in ay rabto in ay noqoto qof tusaale wanaagsan u ah dumarka madoow. Shanladan casriga ah ayaa timaha si fudud u kala furfureysa iyada oo aysan goynin qeyb tinta ka mid ah. Yumna waxaa arrinkan ka caawiyay Prof Dylan Jones-Evans oo ka tirsan jaamacadda South Wales. Wuxuu rajaynayaa in dumar oo dadka laga badanyahay ay la yimaadaan fikrado waxtar leh." https://www.bbc.com/somali/war-59047107 +business Shirkadaha diyaaradaha Afrika oo muddo bil ah qasaaray $400 miliyan oo doolar Bishii Fabraayo ee toddobaadki hore dhamaatay ee 2020-ka cudurka Coronavirus ee dunida ka dillaacay awgii shirkadaha diyaaradaha laga leeyahay qaaradda Afrika waxay qasaareen $400 oo malyan oo doolar. Inkasta oo qaaradda Afrika sida qaaradaha kale uu cudurka si weyn ugu faafin haddana dhaqaalaha qaaradda ayuu si weyn u saameeyey. Cudurka Shiinaha ka dillaacay awgiina shirkadaha diyaaradaha Taanzaaniya, Mauritius, Madagascar, Ruwanda, Morocco iyo Kenya waxay joojiyeen dhammaan duullimaadyadi ay ku tagi jireen dalkaasi. Ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha diyaaradaha caalamka wuxuu sheegay cudurka Coronovirus ee faafay awgii iney qasaareen $400 milyan oo doolar. Shirkadda diyaaradaha ee ugu weyn Afrika oo ah shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo dhinacya badan cadaadis uga imanayey u dhabar adeegtay ayaa weli duullimaadyada ay ku tagto magaalooyin ka mid ah dalka Shiinaha weli sii wadda. Waddamada qaaraddan Afrika ka tirsan ee laga helay cudurka Coronavirus waxaa ka mid ah Masar, Tunisia, Morocco, Aljeeriya, Nigeria iyo Senegal haddana qaabka uu cudurka u soo gaaray cudurka ayaa la sheegay inaan lagu tilmaami karin inuu ku faafay. Hay'adda caafimaadka adduunkana waxay welwel ka muujisay waddamada adeeggooda caafimaad uu aadka u liito iney awood u lahayn iney cudurka iska caabbiyaan, waddamadaasi oo ay hay'addu ku sheegtay intooda badan iney yihiin dalal ku yaalla qaaraddan Afrika. Dowladda Kenyana waxay sheegtay iyada oo ka cabsi qabto cudurka Coronavirus iney amar ku bixiso in la joojiyo diyaaradaha ka yimaadda laba magaalo oo ku yaalla Waqooyiga Talyaaniga. Kenyana waxay go'aankan qaadatay kaddib marki dhowr dal oo Afrikaan ah oo cudurka uu soo gaaray dadka laga helay iney yihiin kuwa ka yimid Waqooyiga Talyaaniga. Dadka cudurka Coronavirus laga helay ee dalalka Tunisia, Morocco iyo Nigeria waxay dhammaantood noqdeen dad ka yimid dalka Talyaaniga. Dalka Talyaaniga waxaa cudurka Coronovirus laga helay 1,800 oo qof, inta la xaqiijiyeyna waxaa cudurkaasi u dhimatay 52 qof. https://www.bbc.com/somali/war-51746740 +business Maxaa ka dhexeeya nimanka kamid ah maalqabeennada caalamka? "Shirkadda weyn ee ganacsiga internet-ka ee Amazon iyo tan Hindiya ugu weyn ee Reliance ayaa tartan adag ugu jira la wareegiidda shirkad khudaarta iibisa oo ku taala dalkaas ay ku noolyihiin dadka labaad ee ugu badan caalamka. Labada shirkadood ayaa heshiisyo kala duwan la kala galay shirkadda khudaarta iibisa oo loo yaqaano Future Group. Dadka falanqeeya arrimaha ganacsiga ayaa sheegay in dacwadda kiiskan ay sanadaha soo socda Hindiya u horseedi doonto hormar dhanka ganacsiga internet-ka ah. ""Waxaan filayaa in tani ay tahay arrin weyn. Amazon waligeed kuma aysan arag tartan noocaan ah suuqyadooda midkoodna,"" Satish Meena, oo falanqeeya arrimaha la xiriira ganacsiga ayaa sidaas BBC-da u sheegay. Amazon ayaa u horseeday asaasageeda Jeff Bezos inuu noqdo ninka adduunka ugu taajirsan (inkasta oo aanu hadda ahayn). Shirkaddan waxay bedeshay habka badeecooyinka tafaariiqda lagu iibsado dunida oo dhan. Mulkiilaha shirkadda Reliance Mukesh Ambani ayaa ah ninka ugu taajirsan dalka Hindiya. Dadka ka faallooda ganacsiga ayaa qaba in qorshayaashiisa tafaariiqda ah ay caqabad ku noqon doonaan Amazon iyo shirkadda kale ee Walmart. Amazon waxay si xoog leh u ballaarineysay ganacsigeeda Hindiya, halkaas oo ay rajeyneyso inay maalgeliso suuqa ganacsiga internet-ka ee sii xoogaysana. Reliance sidoo kale waxay leedahay qorshayaal ay ku ballaarinayso ganacsigeeda internet-ka iyo suuqayada khudaarta Hindiya. Future Group ayaa dhawaan heshiis ay ku iibinayso ganacsigeeda taafaariiqda ah lacag dhan 3.4 bilyan oo dollar la gashay shirkadda Reliance. Tan iyo sanadkii 2019, Amazon waxay la wareegtay 49% saamiyadda Future Coupons, taas oo ka dhigaysa inaysan gebi ahaanba lahayn Future Retail balse Amazon ayaa ku doodeysa in heshiiskii la kala saxiixday xilligii iibsashada lagu xusay in shirkadda Future Group aysan heshiis la geli karin shirkado ay ka mid tahay Reliance. Isniintii la soo dhaafay, shirkadda Future Group ayaa maxkamadda sare ee Delhi ka codsatay inay dib u eegto go'aanka ay ku baajinayaan iibsashada. Maxkamadda ayaa go'aankaas laba isbuuc ka hor soo saartay kaddib markii ay dacwada dhagaysatay. Balse Amazon ayaa sidoo kale rafcaan ka qaadatay go'aankaas. Haddii shirkadda Reliance loo ogolaado heshiiska dacwadda dhaliyay, waxay taasi u suuragelinaysaa inay la wareegto 1,800 dukaan oo ku yala yaala 420 magaalo, sidoo kale waxay maamuli doontaa ganacsiga jumlada ee shirkadda Future Group. Haddii ay Amazon guulaysatana, waxay heli doontaa gacan sare oo ay shirkadaha tartanka kula jira uga saari karto ganacsiga internet-ka ku salaysan. Amazon iyo Reliance waxay diyaar u yihiin inay ku dagaallamaan suuqa Hindiya, maxaa yeelay waxa la aaminsanyahay in fursado badan oo lagu hormarin karo ay weli dalkaas ka jirto. ""Suuqyada tafaariiqda ee Hindiya ayaa lagu qiimeeyaa 850 bilyan oo dollar,"" ayuu yiri Mr Meena, laakiin xilligan kaliya qayb yar oo ka mid ah taas ayaa ku jira ganacsiga internet-ka ku salaysan. Marka la eego guud ahaan caalamka, bilyaneerradu waxay heleen $3.9 trillion oo dheeraad ah intii u dhaxeysay 18-kii bishii March ee sanadkii 2020 ilaa 31-kii bishii December ee isla sanadkaas, faa'iidadaas oo hadda sii mareysa $11.95 trillion - taas oo la eg kharashka ay dowladaha G20 ku bixiyeen wax ka qabashada cudurka safmarka ah. 10-ka nin ee ugu taajirsan adduunka ayaa hantidoodu waxaa ku darsantay 540 bilyan oo dollar tan iyo bishii March, 2020, raggaasna waxaa ku jira milkiilaha Amazon, Jeff Bezos, milkiilaha Tesla, Elon Musk iyo milkiilaha shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg. Mr Bezos ayaa lagu warramay inuu lacag badan helay ilaa intii laga gaarayay bishii September ee sanadkii 2020, lacagtaas oo xitaa uu uga farxin karay dhammaan shaqaalaha shirkadda Amazon ee ay tiradoodu tahay 876,000 oo ruux, qof walibana ay ku soo aadi lahayd 105,000 oo dollar, walina ay hantidiisa la ekaan lahayd intii ay ahayd cudurka safmarka ah ka hor. Haddii ninkan la barbardhigo dadka ugu faqiirsan caalamka, iyaga waxay ku qaadan kartaa in ay cudurkan kasoo kabsadaan muddo toban sano ah." https://www.bbc.com/somali/war-56082037 +business Maxaad ka taqaannaa dalka ay dadkiisa maqaayadaha u tagaan inay caano soo cabaan? "Maqaayadaha caanaha lagu iibiyo ee caanka ka ah Rwanda ayaa muujinaya sida ay lo'da iyo caanaheeda ay muhiim ugu yihiin dhaqanka dalkaas iyo dadkiisaba. Waxay ahayd afar saac barqonimo, caasimadda Rwanda ee Kigali, maqaayaddan ku taalla degmada Nyarujinje, bartamaha caasimadda, waxaa ka buuxa dad, iyo tiro mootooyin ah oo bannaanka saf ugu jira. Milkiilaha maqaayadda, Yusef Ghatikabisi, ayaa dhoolla caddeyn igu salaamay, isaga oo afka Kinyarwanda, oo ah luqadda looga hadlo gudaha Rwanda, ku dhahaya, ""Mwaramutsi!"" - Subax wanaagsan. Afarta miis ayaa dhex taalla maqaayadda, wadayaasha mootootiinka ee dhalinyarada ah na waxay ag fadhiya dhalinyaro iyo waaliddiin carruur wadata. Qaar ayaa cunaya digir iyo sabaayad, halka kuwo kalena ay doolshe cunayaan. Balse waxaa yaab leh, qof walba wuxuu cabayaa caano, maaha khamri. Halkan maqaayadda ""Kuruhimbi"", sida boqollaalka kale ee maqaayadaha la midka ah ee ku yaalla Rwanda, keliya hal cabitaan ayaa laga cabaa - waana caano. Maqaayadaha caanaha lagu iibiyo, oo caan ka ah Rwanda, waxay hal meel isugu keenaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Waa goob ay ku kulmaan dadka si ay u cunaan quraac ama qado uga dhigtaan, ayna u wada sheekeystaan dadka iyaga ka duwan, iyo si ay u cabaan koob ""ikifogoto"" oo ah caano ciir ah, oo qabow oo kor looga daray xunbo, laguna daray malab amaba koob ""enchiochio"" (caano dhay ah) oo la karkariyay isla markaana kulul). Inkastoo ay maqaayadahan u muuqdaan goobo lagu iibiyo caano rakhiis ah, haddana waxay ka turjumaan xaqiiqda wax yar uun laga garanayo ee ah sida ay lo'da iyo caanaha muhiim ugu yihiin dhaqanka Rwanda. Boqolkiiba 70 bulshada Rwanda waxay ka shaqeeyaan beeraha, lo'da na dhaqaalaha dalkaasi ayay qeyb weyn ka tahay. Sidoo kalena, waxay meelaha miyiga ah calaamad ugu tahay hanti iyo darajo gudaha bulshada ah. Marka aad dooneyso in aad qof u dhashay Rwanda u rajeyso wax wanaag; waxaad leedahay ""Jirainka"" (fadlan yeelo lo') ama ""Amashio"" (fadlan lahow kumannaan lo' a); qofkuna wuxuu ku jawaabayaa ""Amachungur"" (adigana lahow kumannaan lo' ah). Marka aad dooneyso in aad mahad celin ballaaran sameysana, waxaad leedahay: ""Ngohayinka"" (waxaan ku siinayaa lo'). Ciyaar-dhaqameedyo badan oo Rwanda laga adeegsado, waxaa laga soo minguuriyay lo'da. Ciyaarta ""Omushayu"", waxay caan ka tahay Rwanda, haweenka ayaana u ciyaara sida dhaqdhaqaaqyada tartiibka ah ee lo'da, iyagoo muujinaya quruxdeeda. Cayaaraha kale, sida ""Eikinimra"" iyo ""Ijisakamba"", ragga iyo haweenka ayaa gacmahooda kor u taaga iyaga oo ku matalaya geesaha lo'da. Xaqiiqdii, sida ay lo'du muhiim ugu tahay dadka Rwanda waxaa ka turjumaya, sida magacyada carruurta loogu dheeho lo'da. Waxaa magacyada ka mid ah Monganinka (qaali u ah sida lo'da), Kanyana (lo' yar), iyo Giramata (caano), waana kuwo caan ka ah Rwanda. Gudaha maqaayadaha caanaha lagu iibiyo, suuqyada amaba meel walba oo Rwanda ah, marka ay dadka donayaan inay ammaanaan haweeney amaba ay ka xishoodsiiyaan, waxay ku yiraahdaan: ""Indhahaagu waa sida indhaha weesha."" Sida uu qabo Maurice Mugabwagaundi, oo ah baare dhanka taariikhda iyo dhaqanka, kana tirsan Machadka Dhaqanka Rwanda, wuxuu sheegay in dadka reer Rwanda ay weligoodba lo'da u adeegsan jireen dabaaldegyada qoysaska ee muhiimka ah. Dhaqan ahaan, lo'da waxaa loo adeegsadaa sooryada la siiyo qoyska gabadha. Haddii mid ka mid ah lo'daas ay dhasho, weesha waxaa hadiyad ahaan loo siiyaa lamaanaha, si looga caawiyo in qoyskooda uusan dumin. Inkastoo dhaqankan hadda uu ku soo koobmay qeybo ka mid ah dalkaas, haddana, aroos dhaqameed walba oo Rwanda ka dhacaya, qoyska caruuska waxay yiraahdaan ""Waxaan idiin siineynaa kumannaan lo' ah,"" ama ""Waxaa idiin siineynaa lo' iyo weesheeda,"" xitaa haddii aysan u jeedin in ay sameeyaan. Mugabwagaundi ayaa sheegay in lo'da sida lacag ahaan looga adeegsan jiray dhulka hadda loo yaqaanno Rwanda, qarnigii 15-aad ilaa sannadkii 1954, markaas oo Boqor Mutara-hii Saddexaad ee Rudhigwa uu arrintan soo afjaray. Wuxuu sheegay in iibinta caanaha ee dalkas ay mar ahaan jirtay arrin ceeb ah, sababtoo ah waxaa loo arkayay in caanaha ay ka qiimo badan yihiin wax la iibiyo ama la soo gato. Horraantii qarnigii 20-aad unbay ahayd markii ay shacabka Rwanda bilaabeen in ay iibiyaan caanaha lo'da, xilligaas oo Boqortooyadii Jarmalka ay gumeysan jirtay. Dadka Rwanda waxay ku qasbanaadeen in ay meelo fog fog ka soo shaqeeyaan. Ganacsatada dalalka qaarkood ayaa bilaabay in ay caanaha ka iibiyaan shaqaalihii Rwanda. Xilligaas ka dib ayay dadka Rwanda xaqiiqsadeen in aysan ceeb ahayn soo iibsashada iyo iska iibinta caanaha lo'da. Magaaleynta laga sameeyay gudaha Kigali, kaddib xasuuqii dalkaas ka dhacay, dadka ma aysan helin dhulal waaweyn oo ay lo' ku dhaqdaan, waxaana soo baxay maqaayado dadka ka iibiya caanaha. Maanta, dowladda ayaa dadka Rwanda ku dhiirrigelineysa in ay xoolo ku dhaqdaan miyiga amaba dhulka ka fog meelaha la deggan yahay." https://www.bbc.com/somali/war-56798914 +entertainment Saroj Khan - Geerida atariishadii Bollywood: Madhuri iyo Sridevi macallimaddii qoob ka ciyaarka bartay oo ku geeriyootay Hindiya Saroj Khan, oo ahayd mid ka mid ah dadka qoob ka ciyaarka sameeya ee ugu caansan dalka Hindiya, ayaa geeriyootay iyadoo ay da'deedu tahay 71 sano. Khan waxay lahad xirfad cajiib ah oo socotay muddo 40 sano ah, waxayna sidoo kale ahayd macallimaddii qoob ka ciyaarka soo bartay inta badan jilayaasha shirkadda Bollywood-ka ee Hindiya. Shaqadeeda waxay ka dhex muuqan jirtay heesasha ugu caansan ee lagu soo qaato filimo badan oo qoob ka ciyaar leh. Waxay xirfaddeeda soo idlaatay sannadihii 1980-meeyadii, xilligaasoo ay billowday inay tababarto jilayaasha waxayna soo saartay atariishooyin ciyaartooda laga daba dhacay, oo ay ku jiraan atariishooyinka ugu caansan Hindiya ee Madhuri Dixit iyo Sridevi. Khan waxay geeriyootay kaddib markii uu wadnaha istaagay iyadoo ku sugneyd isbitaal ku yaalla magaalada Mumbai, sida ay soo tabiyeen warbaahinta maxalliga ah. Waxaa isbitaalka la dhigay bishii lasoo dhaafay, markaasoo ay ka cabaneysay inay neefsashada ku adag tahay. Horay waxaa looga baaray cudurka Covid-19, balse waa laga waayay sida ay ku warrameen warbaahinta Hindiya. Jilayaashii ay macallimadda u ahayd ayaa baraha bulshada ugu tartamaya tacsideeda. Wiil ay habaryar u tahay, oo lagu magacaabo Manish Jagwani, ayaa geerideeda u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee PTI. Saroj Khan oo dhalatay sanadkii 1948-kii waxay shaqada filimada ku biirtay iyadoo carruur ah. 1950-meeyadii, Khan waxay ku biirtay kooxda qoob ka ciyaarka u sameysa atariishooyinka, waxayna kasoo muuqatay filimada uu ka midka yahay Bimal Roy's Madhumati. Waxaa filimkaas kusoo daray hagaha lagu magacaabo B Sohanlal, oo markii dmabena guursaday. Halkaas wixii ka billowday, Khan waxay qoob ka ciyaarka filimada u sameyneysay ilaa laga gaaray sanadkii 1974-kii, filimkii ay kusoo gabagabeysayna wuxuu ahaa Geeta Mera Naam. 1980-meeyadii, Khan waxay noqotay qof magaceeda uu si weyn usoo shaac baxay kaddib markii ay billowday inay la shaqeyso jilayaasha Bollywood-ka ee ay ka midka yihiin Sridevi Kapoor iyo Madhuri Dixit, kuwaasoo qoob ka ciyaarkooda loogu jecel yahay heesaha. Shirkadda Bollywood-ka ayaa tacsideeda soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter-ka. Jilayaal badan iyo hagayaasha filimada, oo ay ka mid yihiin Akshay Kumar iyo Kunal Kohli, ayaa uga mahad celinaya kaalintii ay kasoo ciyaartay madadaalada. Aaskeeda wuxuu maanta ka dhacay isla magaalada Mumbai, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee PTI. Waxay ka tagtay wiil iyo gabar ay dhashay oo lagu kala magacaabo Raju iyo Sukaina Khan. https://www.bbc.com/somali/war-53266547 +entertainment Sushant Singh Rajput iyo Dil Bechara: Muxuu yahay filimkan uu jilay atoorihii 'is dilay' ee mardhow soo bixi doono? "“Ma badali karno, xilliga dhalashada iyo dhimashada, balse si wanaagsan waan u noolaan karnaa."" Waa sheeko ku jirta filimkii ugu dambeeyay ee uu jilay Sushant Singh Rajput ee cinwaankiisu yahay Dil Bechara. Xayeysiinta filimkaas ayaa la baahiyay Isniintii. Xayeysiinta ayaa ku faaftay baraha bulshada, waxaana amaanay taageerayaashii Sushant iyo dadkii ay aflaanta iskula jireen. Dad badan ayaa soo qaadanaya qoraalkaas ku jira filimka Dil Bechara ee ""qiirada leh"". Filimka wuxuu ku saabsan yahay dareen murugo ama shalayto uu ku dheehan yahay, oo ah mid taabtay jilaaga dhintay isagoo da'yar ah. Sushant Singh Rajput, taageerayaashiisa ayaa dareenkooda arrintaas la xiriira ku muujinayaan baraha bulshada. Isla markii la baahiyay xayeysiinta filimka, waxay ku baahday baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka oo ay ku sii faafinayaan jilaayaal caan ah. Qeybo ka mid ah filimka iyo sawirrada Sushant Singh Rajput ayaa la soo bandhigayaa iyadoo la adeegsanayo hal ku dhigga #DilBecharaTrailer. Mukesh Chhabra, oo filimka soo saaray wuxuu sheegay in jilidda filimkan iyo in daawadayaasha loo soo bandhigo ay qaadatay muddo laba sano ah. Wuxuu yiri: ""Xayeysiinta filimkeyga ayaan maanta baahinay. Waxaan ku faraxsanahay inaan kuu sheego in filimkan uusan waxbadan kaaga baahnayn, qof kastana uu awoodi doono inuu daawado"". Ninka sameeyay muusikada filimkan, AR Rahman wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray: ""Xayeysiiska Dil Bechara waa la baahiyay. Ka naaloo sheekadan jaceylka ah."" Sidoo kale Nawazuddin Siddiqui ayaa yiri: ""Daawo filimka aadka u wanaagsan. Shaqada Sushant Singh Rajput wanaaggeeda halkan ayaa lagu muujiyay."" Priyanka Chopra ayaa sheegay in filimka uu yahay ""u dabaaldegga jaceyl, saaxiibtinimo iyo nolol"". Filimkan 'Dil Bechara' waxaa Internet-ka la soo gelin doonaa 24-ka bishan July. Wuxuuna diyaar ku noqon doonaa barta Disney Plus Hotstar. Filimka waxaa soo saaray Mukesh Chhabra, waxaana xidigo ka ah Atariishada caanka ah ee Sanjana Sanghi iyo Atoore Sushant. Filimkiisii midkan ka horreeyay wuxuu ahaa Chhichhore oo la baahiyay bishii September 2019-kii. Filinkaas waxaa la jishay Shraddha Kapoor. Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya, booliska dalkaas ayaa wado baaritaan la xiriira dhacdadaas. Waxay booliska wareysteen illaa 30 qof, waxaana ka mid ah filim soo saaraha ay muddada isla shaqeynayeen Sanjay Leela Bhansali. Sida ay wararka sheegayaan, Sanjay Leela wuxuu sheegay in weligii uusan gacan-bidxeyn Sushant, uusanna ka reebin ka mid noqoshada jilaayada filimaantiisa. Sikastaba, waxaa askarta laga soo xigtay in ninkan soo saaraha aflaanta uu sheegay in jilaagaas uusan la shaqeynin muddo sababo la xiriiray inuu mashquul ku ahaa ka soo saarista Paani. Sidoo kalen ninkan iyo jilaaga is dilay isla ma aysan hadlin tan iyo 2016-kii, wuxuuna sheegay in uusan ka warhayn in dhibaato dhanka maskaxda ah ay haysatay atoorahaas." https://www.bbc.com/somali/war-53321958 +entertainment fanaaniin iyo Jilaayaal caan ah oo shaaciyay inay joojinayaan isticmaalka Facebook "Fanaanadda caanka ah ee lagu magacaabo Kim Kardashian West iyo toboneeyo kale oo ah dad caan ah ayaa ku dhawaqay inay joojinayaan isticmaalka cinwaanadooda baraha bulshada taasi oo ay uga cabanayaan faafidda "" naceybka, borabagaadada iyo wararka beenabuurka ""waxaa sidaasi bayaan ay soo saartay ku sheegtay Kardashian West. Tallabadani ayaa qeyb ka ah ololaha Jooji naceybka oo ay soo qabanqaabiyeen dadka u ololeeya arrimaha bulshada. Dadkan caanka ah oo ay ka mid yihiin fanaaniinta iyo jilaayaasha ayaa isticmaalka baraha bulshada joojin doona muddo 24 saacadood ah maanta oo Arbaca ah. ""Iskama fadhin karo oo kama aamusi karo iyada oo shirkadaha baraha bulslahad ay aqbalayaan faafinta naceyb iyo warar been abuur ah,"" ayay tiri fanaanada Kardashian West. ""Wararka been abuurka ah ee lagu daabaco baraha bulshada waxay saameyn ku yeelanayaan doorashooyiinkeena islamarkana waxay minjaxabinayan dimuqraadiyadeena,"" ayay intaa ku dartay. Dadka kale ee caanka ah ee aqbalay inay ka qeyb qaataan qaadacaadan ayaa waxaa ka mid ah jilaayaasha kala ah Leonardo DiCaprio, Sacha Baron Cohen iyo Jennifer Lawrence, iyo sidoo kale fanaanada Katy Perry. ""Iskama fadhin karo iyada oo barahani bulshada ay iska indha tirayaan kooxaha iyo qoraalada fidinaya naceybka iyo wararka been abuurka ah,"" waxaa sidaasi barteeda Instagram ku qortay Perry. Jilaaga Ashton Kutcher, oo ay ku xiran yihiin malaayiin qof ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya joojinta isticmaalka baraha bulshada isaga oo sheegay ""Aaladahan looma dhisin in naceyb iyo rabshado lagu faafiyo "". Ololaha jooji naceybka oo xarigga laga jaray bishii June, ayaa waxaa uu ku eedeeynayaa shirkadaha Facebook iyo Instagram in aysan wax ka qaban khudbadaha naceybka iyo wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo barahani bulshada. Shirkadda Facebook iyo shirkadda Instagram oo uu isla hal shaqsi leeyahay ayaa waxaa dhaqaala badan ka soo galaa xayiisiinada. Sanadkii anau soo dhaafnay ayaa la sheegay in labadani shirkadooda ay heleen dakhli dhan a $70bilyan. Madaxda shirkada Facebook ayaa waxaa ay dhankooda marar badan balanqaadeen inay wax ka qaban doonaan hadalada naceybka ah iyo wararka been abuurka ee bartaasi lagu baahiyo." https://www.bbc.com/somali/war-54172900 +entertainment "Atariishada 69 jirka ah ee lagu fowdeeyay ""sawirradeeda quruxda badan""" "Markii Rajini Chandy ay dhowaan sawirro soo dhigtay barta Facebook, ma aysan filaneyn in sawirardeeda aad la iskula wadaagi doono ayna ka dhaxli karto fowdo. Sawirrada ayaa muujinaya atariishadan 69 jirka ah ee guri joogto ahaan jirtay, oo ku lebisan saari qurux badan, dhar dhaadheer, jeemis, iyo jeemis daba gaab ah. Sawirrada qaar waxay ku lebisan tahay saako ka sameysan ubaxyo laga soo guray beerteeda. Haweeneydan oo ay warbaahintu gobolka Kerala ee koofurta Hindiya oo ah halka ay ku nooshahay ku tilmaameen ""quruxley"", ayaa waxay sawirradeedu dhaliyeen hadal heyn ka dhex dhaliyeen dad badan oo gobolkaas asal raaca ah ku nool, halkaas oo inta badan haweenka ay weli ku lebistaan saari amaba goonno dheer. Mrs Chandy ayaa BBC-da u sheegtay, in fakradda ay lahayd Athira Joy, oo ah 29 jir lagu yaqaanno shaqadeeda aan caadiga ahayn. Ms Joyayaa sheegtay in waxa ay atariishadu ku soo jiidatay ay tahay inay ka duwaneed hooyadeed. ""Haweenka Hindida ah,"" ayay sheegtay, ""inay noloshooda ku dhammeystaan guur iyo dhaqid qoys. Intooda badan nolosha way gabaan marka ay 60 sano gaaraan. Waxay xannaaneeyaan carruurta ay ayeeyada u yihiin. Hooyadeed oo 65 sano jir ah, ayay sheegtay, inay la mid tahay ""haweenka Hindi ah oo ay heystaan dhammaan dhibaatooyinka caafimaad ee ay wajahaan haweenka ka weyn da'da 60 sano"". ""Balse Rajini way ka duwan tahay - way is daryeeshaa, jirkeedu wuu dhisan yahay, way qurux badan tahay, waa qof ilbax ah. Waa 69 jir, balse waxay isku heysataa 29 jir. Sideyda oo kale."" Iyadoo ku dhex nool bulshada dhaqanka aadka ugu dheggan ee Kerala, Mrs Chandy mar walba dadka way ka dhex muuqatay. Markii ay ku laabatay Kerala sanadkii 1995 kaddib markii ay tobnaan sano ku nooleyd Mumbai oo uu seygeedu la shaqeynayay banki ajnabi ah, waxay isku soo jeedisay dadka markii ay ku lebisatay jeemis ayna marsatay xamuurad. Waxay sheegtay in mar lagu dacaayadeeyay xirashada funaanad gacmaha ka go'an. Sanadihii la soo dhaafay, waxay warbaahinta ku soo jiidatay ""ikhtiyaarkeeda aan caadiga ahayn"" - sanadkii 2016, oo ay 65 jir ahayd, waxay jilaa ka ahayd barnaamij ruwaayad ah oo ku baxayay afka Malayalam, laguna magacaabi jiray Oru Muthassi Gadha. Wixii intaas ka dambeeyay, waxay ka soo muuqatay labo filin waxayna sanadkii la soo dhaafay dhowr jeer ka qeyb gashay wareeggii labaad ee barnaamijka Bigg Boss. Mrs Chandy ayaa sheegtay inay sawirrada isaga qaadday si ay u dhiirrigeliso dadka da'da ah si ay u aaminaan inay weli nolosha ku raaxeysan karaan. ""Inta badan lammaanayaasha da'da yar waxay dhalinyaranimadooda ku qaataan korinta carruurta. Noloshooda way ilaabaan haddana waxay ogaadaan inay ka weyn yihiin cayrsashada riyadooda sababtoo ah waxay ka walwalaan maxay bulshadu i oran doontaa. Waxaan aaminsanahay inay caadi tahay inaad sameyso wax walba oo aad dooneyso haddii aadanba cidna dhib u geysaneyn,"" ayay tiri. ""Waan fuliyay wixii ay igu lahaayeen qoyskeyga iyo bulshada haddana waxaan sameynayaa waxa i farxad gelinaya."" Ayay tiri. Soo jeedinta Athira waxay u aragtay mid xiiso leh- xilli ay safarro ku mareysay dibadda, ayay tiri, waxay sheegtay inay weligeedba jecleyd haweenka da'da ah ee is daryeela. ""Balse waxaan u sheegay inaan sameyn doono marka uu ninkeygu oggolaado. Sidaas darteed, oggolaasho ayay weydiisatay ninkeyga wuxuuna ku yiri: 'Waa nolosheeda. Haddii ay dooneyso, wax dhib ah kuma qabo."" Mrs Chandy ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ee ay aragtay dharka Athira ay uga soo kireysay dukaan halkaas ku yaalla, ay aad ""ula yaabtay"". ""In muddo ah sidaas uma lebisan. Balse markii aan xirtay, caadi ayay ila ahaayeen."" Kumannaan qof ayaa markii hore ka helay sawirrada haweeneydan - dadka qaar ayaa lahaa ""waxaad xaqiijisay in da'du ay keliya tahay tiro""; kuwo badan ayaa ku tilmaamay inay aad u qurux badan tahay. Balse durba, cambaareyn ayaa bilaabatay - oo ilaa iyo hadda socota. Waxay sheegtay in dad badan ay magacyo xun ugu yeereen, una sheegeen inay iska cibaadeysato oo aysan mudneyn inay jirkeeda soo bandhigto. Dadka qaar ayay sheegtay inay ku yiraahdee ""Waxaad tahay da' haddii xitaa laguu geliyo dhar cusub weli duq baad tahay""." https://www.bbc.com/somali/war-55672147 +entertainment Bollywood: Atoorihii qarni jirsaday oo diiday inuu u dabaaldego dhalashadiisa "Jilaaga rugcaddaaga ah ee shirkadda Bollywood-ka, Maxamed Yuusuf Khan, oo caan ku ah magaca uu la baxay ee Dilip Kumar ayaa maanta 98 jirsaday. Xaaskiisa, Saira Banu, oo qudheeda atariisho ayaan jirtay, ayaa horaantii isbuucan sheegtay in seygeeda uu xoogaa daciif yahay balse uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay. Hase yeeshee, waxay sheegtay in qoyska aysan sanadkan wax qorshe ah u sameynin u dabbaaldagista dhalashada jilaagan caanka ah. ""Wali waxaan naga bixin murugadii geerida walaalaheen Ehsan iyo Aslam, taasna waxaa sii dheer in isagu uusan sanadkan qorsheysanin wax dabbaaldag ah. Xaqiiqdii wuxuu munaasabadda soo xasuustaa marka uu arko ubaxyada ay usoo direen saaxiibbadiis iyo taageerayaashiisa, markaas wixii ka dambeeyana telefoonka lama kala joojiyo,"" ayey tidhi. Aslam Khan, oo ahaa Dilip walaalkiis wuxuu geeriyooday 21-kii bishii August, halka Ehsan Khan oo isagana walaalkood ahaa uu heeriyooday 2-dii bishii September ee sanadkan. Sababta ugu weyn ee aan sanadkan loogu damaashaadeynin dhalshada Dilip Kumar waa in la iska ilaaliyo faafintaanka cudurka Covid-19, oo Hindiya ay ka mid tahay dalalka uu saameynta ugu ba'an ku yeeshay. Kumar wuxuu 10-kii bishii December ee sanadkii 1922-kii ku dhashay magaalada Beshawar ee dalka Pakistan, sida uu qoray wargeyska Times of Hindiya. Laakiin warbaahinnada kale qaarkood waxay taariikhda dhalashadiisa ku tilmaamaan 11-kii December, oo ah maalintii xigtay. Ka hor inta uusan la bixin magaca jilista filimada ee Dilip Kumar, wuxuu magaciisa dhabta ahaa Maxamed Yuusuf Khan. Kumar waa jilaagii ugu horreeyay ee lagu daah furay abaalmarinta atooraha ugu wanaagsan sanadka la siiyo ee Filmfare, taasoo ay jilayaasha maanta aad ugu xusul duubaan, waana atooraha heysta tirada ugu badan ee billadaas. Dadka qaar waxay ku qeexaan inuu yahay Khan-kii ugu horreeyay ee Hindiya, sidoo kalena waxay ku tilmaamaan ninkii Hindiya geeyay hannaanka jilista filimada ee la yiraahdo ""Method Acting"". Habkaas waa qorsheynta ku aaddan diyaarinta qofka jilaaga ah, tababarkiisa iyo qoondeynta doorka uu ka jilayo filimka. Waxaa markii ugu horreysay soo hindisay jilaa sidoo kale filim soo saare ahaa oo u dhashay dalka Ruushka, kaasoo lagu magacaabi jiray Konstantin Stanislavski. Kumar waxa uu sanadkii 1944-kii kasoo muuqday filimkiisii ugu horreeyay oo lagu magacaabo Jwar Bhata. Xirfaddiisa jilista oo socotay muddo 50 sano ah wuxuu uga qeyb qaatay ilaa 65 filim. Filimadiisa ugu caansan waxaa ka mid ah: Andaz (1949), Babul (1950), Deedar (1951), Aan (1952), Daag (1952), Devdas (1955), Azaad (1955), Naya Daur (1957), Yahudi (1958), Madhumati (1958), Kohinoor (1960), Mughal-e-Azam (1960), Gunga Jamuna (1961) iyo Ram Aur Shyam (1967). Sanadkii 1976-kii ayuu Kumar fasax shan sano ah ka qaatay jilista filimada, wuxuuna dib ugu soo rogaal celiyay filimkii lagu magacaabay Kranti, oo la jilay sanadkii 1981-kii. Intaas kaddib wuxuu sii waday xirfaddiisa, wuxuuna kasoo muuqday filimo ay ka mid yihiin Shakti (1982), Mashaal (1984), Karma (1986) iyo Saudagar (1991). Filimkiisii ugu dambeeyay ee uu kusoo afjaray xirfaddiisa wuxuu ahaa Qila, oo soo baxay sanadkii 1998-kii. Jilista filimada ka sokoow wuxuu ahaa siyaasi mar xubin kasoo noqday baarlamaanka dalka Hindiya. Tan iyo markii uu dillaacay fayraska corona, wuxuu Kumar ku jiray feejignaan uu isaga ilaalinayay xanuunkaas galaaftay dadka waayeellada u badan. Bishii March ee sanadkan, xilligii uu caalmka saameynta ku yeeshay fayraska corona ayuu Dilip sheegay in uu karantiil galay. ""Waxaan ku jiraa iskaliyeelid buuxda iyo karantiil sababo la xiriira fayraska corona ee dillaacay. Saira wax walba way iga ilaalisay si uusan fayraska iigu dhicin."" ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka. Jilaagan rugcaddaaga ah labo jeer ayaa laga faafiyay warar been abuur ah oo ku saabsan in uu geeriyooday. Marka koowaad waxay ahayd sanadkii 2016-kii, kaddib markii isbitaalka loola cararay isagoo ka cabanaya xanuun lugta midig ah iyo qandho. Xaaskiisa ayaa ku wehlineysay isbitaalka, waqtigaasna waxay ahayd maalmo ka hor inta uusan u dabaaldagin xuska sanad guuradii dhalatshiisa ee 94-aad. Marka labaadna ee wararka geeridiisa ku saabsan ee been abuurka ah la faafiyay waxay ahayd bishii August ee sanadkii xigay ee 2017-kii, xilligaas oo mar labaad isbitaal loola cararay isagoo la xanuunsan biyaha oo jirkiisa ka dhammaaday iyo dhibaatooyin kale." https://www.bbc.com/somali/war-55262407 +entertainment Jilaa Will Smith oo shaqadii iska casilay kadib dharbaaxadii uu ku dhuftay majaajileestaha "Jilaaga caanka ah ee u dhashay Mareykanka, Will Smith ayaa iska casilay shaqadii uu ka hayay Akadeemiyada Oscars ka dib markii uu masraxa ku dharbaaxay majaajiliiste Chris Rock intii ay socotay xafladdii abaalmarinta xidigaha aflaamta ee the Oscars Axaddii aan soo dhaafnay. ""Ficiladii aan ku sameeyay bandhigga Abaalmarinta Akadeemiyada 94-aad, waxay ahaayeen kuwo naxdin leh, xanuun badan, isla markaana aan cudur daar lahayn,"" ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray jilaaga. Akadeemiyada filimaanta Oscars ayaa sheegtay inay ka aqbashay iscasilaaddiisa ayna arrinta horey usii wadi doonto iyadoo la raacayo qaababka loo dhageysto dacwadaha la xiriira ansahaxa. Rock ayaa si kaftan ah u tilmaamay madaxa xiiran ee haweenaydaas, oo uu ku dhacay xanuun jara timaha oo loo yaqaano alopecia. Dharbaaxada kadib, Will Smith ayaa ku guulaystay abaalmarintii u horreysay ee uu ka helo the Oscars, isagoo ku mutaystay filinka King Richard oo uu ku matelayay aabaha dhalay xidigaha tenniska ee Venus iyo Serena Williams. ""Liiska dadka aan dhibaatada u geystay ayaa ah mid dheer, waxaana kamid ah dadkaas Chris, qoyskiisa iyo asxaabteyda qaaliga ah ee halkan ku sugan iyo daawadayaasha caalamiga ah"" ayuu yiri Smith. ""Waxaan meel kaga dhacay kalsoonidii lagu qabay akadeemiyadda, waxaana dadkii ku guuleystay abaal marinta ka hor istaagay fursaddii ay ugu dabaaldegi lahaayeen shaqada aan caadiga aheyn ay qabteen, aad ayaan tallaabadaas uga xumahay"" Jilaaga wuxuu sidoo kale sheegay in uu diiradda saari doono sidii uu ku garab istaagi lahaa kuwa guusha gaaray ee mudan in la tixgeliyo. Wuxuu kusoo gabagabeeyay warkiisa, ""Isbaddalka wakhti ayuu qaataa, waxaa iga go'an in aan howsha qabto si aan u hubiyo in mardambe aysan wax rabshado ah dhici doonin"" Majaajiliistaha, oo 57 jir ah, oo hadda ku marayo Mareykanka kaas uu ugu magac daray ""Ego Death"" ayaa waxaa soo dhaweeyay taageerayaashiisa. Chris Rock ayaa mar sii horreysay go'aansaday in wax dambi ah uusan kusoo oogin Smith, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalkaas. Jilaaga caanka ah ee Will Smith ayaa raali-gelin siiyay majaajileyste Chris Rock oo uu wejiga ka dharbaaxay xilli uu daadihinayay xafladda abaalmarinta xidigaha aflaamta ee the Oscars. Smith ayaa sheegay in falka uu ku kacay uu ahaa mid aan ""la aqbali karin, isla markaana aan qiil lahayn"". Muxuu yahay cudurka ay qabto Xaaska Will Smith ee darteed loo dharbaaxay Chris Rock? Muxuu Jilaa Will Smith ka yiri dharbaaxadii uu ku dhuftay Rock Will Smith in uu iska casilo akadeemiyadda Oscars waa arrin aad u weyn. Kaliya tiro yar oo dad ah ayaa waligood laga eryay bandhigga aflaamta ee Oscars: waxaa ka mid ah Harvey Weinstein, Bill Cosby iyo Roman Polanski - in kasta oo aysan caddayn in Will Smith uu tallaabo noocaas ah la kulmay. walow arrintaa loo sheegi lahaa dhowr toddobaad gudahood. Laakin jilaaga ayaa go'aansaday in uu soo xiro masiirkiisa iyadoo haatan ay meesha ka baxday qiimahii u ku lahaa bandhigga abaal marinta filimada ee Oscars, isaga oo haatan joojiyay shaqadaas. Akadeemiyadda Oscars waxay sheegtay inay sii wadi doonto dacwadda la xiriirta anshaxa jilaaga kadib marka uu dharbaaxay majaajileyste Chris taas oo fursad u siinaysa in laga xayuubiyo abaalmarinta Oscar-ka ee uu ku guuleystay Axadii - in kasta oo ay taasi u muuqato mid aan macquul ahayn - ama waxaa laga yaabaa in loo diido mustaqbalka inuu ka soo muuqdo xafladaha Abaalmarinta ee bandhigga Oscar." https://www.bbc.com/somali/war-60964743 +entertainment Aar Maanta - Fannaanka Soomaaliyeed ee carruurta Minneapolis ka caawinaya inay ogaadaan dhaqankooda "Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa muusikada ku soo biirineyay nolosha carruurta ee degmo ka tirsan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo loo yaqaan ""Muqdishada yar oo ku taal Mississippi"" si ay uga caawiso barashada luqadda iyo dhaqanka dalkooda hooyo. Aar Maanta, oo caadiyan fadhigiisu yahay London, wuxuu arkay baahi degdeg ah oo loo qabo in afka Soomaaliga la lagu beero nolosha carruurta, oo qaarkood ku dhashay Mareykanka oo aysan ku hadli karin afkooda hooyo. ""Markii uu wiilkaygu dhashay waxaan raadinay luuqadaha Soomaaliga waxaanana ogaanay inaysan jirin in la heli karo. Waxa kaliya ee aan haystay waxay ahaayeen xusuusteyda,"" ayuu yiri. ""Taasi waxay igu dhalisay inaan bilaabo mashruucan."" Erayada qaarkood ee heesaha waxaa qorey carruurta Soomaaliyeed oo qaarkood ay da'doodu tahay siddeed jir. Meerisyada qaar ee heesta waxaa ka mid ah sida tan dhahaysa ""Madaxweyne sidaa u doqonsan, iyada oo wiilkayga iga yar uu ka go'aan fiicanyahay"", waa hal sadar. Waxaa jirta qeyb kale oo ku saabsan xijaabku oo u dhacaysa sidan ""sida taaj Islaamka inkastoo ay jiraan"". Carruurtan ayaa ku nool xaafadda Cedar -Riverside ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka - oo ah deegaan ay ku nool yihiin Soomaali aad u badan. Heesahooda ayaa la sii daayay bishan kuwaas oo lagu tilmaamay ""albumkii ugu horreeyey ee ku soo baxa labada luqadood ee Ingiriisiga iyo Soomaaligaa ee muusigga adduunka"". Waxaa albumkani loogu yeeraa Ubadkaa Mudnaanta Leh. Mashruucan waxaa maalgeliyay The Joyce Foundation, oo taageerta fannaaniinta midabka ee gobolka Harooyinka Waaweyn ee Maraykanka. Fannaanka oo ay xaruntiisa tahay Xarunta Dhaqanka ee Cedar ee Minneapolis, Aar Maanta wuxuu doonayay in carruurtu ay afkooda ka bartaan heesaha, iyada oo muusiga loo adeegsanayo aalad looga hadlo arrimaha la xiriira socdaalka, xagjirnimada iyo xiisadda magaalada gudaheeda. Halqabsiga ah 'Argagixisada yar yar' Nasiib wanaag qofka ugu fiican ee Aar Maanta gacanta ka siiya xaqiijinta riyadiisa ee Minneapolis ku nool wuxuu noqday Siciid Saalax, kaas oo isku tilmaama in uu yahay oday Soomaaliyeed, oo uusan ahayn wax intaas ka badan. Run ahaantii waa nin caan ka ah guud ahaan Soomaaliya iyo meelaha ka baxsanba waxaana lagu yaqaanaa curinta gabayada, samaynta riwaayadaha sidoo kale waxaa loo yaqaanaa ilaaliyaha afka Soomaaliga. Waxa kale oo uu bare ka yahay Jaamacadda Minnesota, halkaas oo uu ardayda baro afka Soomaaliga. Markii ugu horraysay ee Soomaaligu noqday luuqad qoran 1970 -naadkii, wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay ololihii ballaarnaa ee wax -qorista iyo wax -akhriska ee dalka. Mudane Siciid Saalax ayaa sheegay in carruurta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ay aad ugu ooman yihiin barashada luqaddooda iyo dhaqankooda. Waxay ka dheregsan yihiin in lagu tilmaamo ""argaggixiso yar yar"", ""burcad -badeed yar-yar"" ama ""dambiilayaal yar-yar"" - dhammaan fikradahaasi waxay la xiriiraan Soomaaliya. Mid ka mid ah doorka Siciid Saalax ayaa ah in bulshada tuso hodantinimada afka iyo dhaqanka Soomaaliga. ""Waan rumaysan kari waayay markii aan bilaabay inaan u akhriyo carruurta buug ku qoran afka Soomaaliga gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed ee dhigata iskuul ku yaal Minneapolis,"" ayuu yiri Siciid. Aar Maanta wuxuu abwaanka ku raacay in carruurta qaarkood ay noloshooda adag tahay, laakiin waxay aad u daneeyaan dhaqankooda. ""Ma rumaysan karin xiisaha ay u qabaan albamka, xiisaha ay u qabaan barashada afkooda iyo xiisaha ay u qabaan wax walba oo ku saabsan afka Soomaaliga ah"". ""Waxay xitaa i weydiiyeen duqii hore ee Sheffield ee UK, Magid Magid, oo ah nin Soomaali ah"" ayuu yiri Aar Maanta . 'Xirashada Xijaabka marka la qubeysanayo?' Faadumo Jamiila Biixi waa gabar yar oo qortay wax ku saabsan xijaabka. ""Dadku mararka qaarkood waxay noogu yeeraan 'kuwii madaxa ku watay shukumaanka '. Xitaa waxaa la i weydiiyay in xijaabka aan ku dhex-xirto suuliga qubeyska!"" ayay tiri. ""Qorista iyo heesidda heesahan waxay igu abuurtay qab yo kalsooni. Waxaan doonayay in dadku ogaadaan in xijaabku uusan dhib igu hayn, balse aan barako ka helo."" Carruurtu waxay soo saareen farshaxan ay weheliyaan heesahooda, iyagoo la shaqeynaya farshaxaniistaha deegaanka ee Timi Bliss, oo wax ka qorta buugaagta carruurta, oo ay ku badan yihiin kuwa asalkoodu madowga yahay. Waxay door weyn ka cayaartay hal ku dhiggii Black Lives Matter ee Minneapolis kadib dilkii askari caddaan ah oo booliis ah uu u geystay George Floyd. Qaar ka mid ah heesaha ku jira albumka ayaa waxaa qoray toban sano ka hor Siciid Saalax, sida heesta carruurta ay wax tirinayaan, taas oo magaceedu yahay Koow, iyo tan kale ee higgaada ee lagu magacaabo Taa Tee Tii Too Tuu. Qaar kale ayay carruurtu keligood qoraan, curiyaan oo hadana ku heesaan, ama la kaashadaan Aar Maanta iyo kooxdiisii The Urban Nomads ama Reer Miyiga Magaalada. Is-haleeshiinta jiilalka kala go'ay Mid ka mid ah arrimaha muhiimka ah ee uu Aar Maanta doonayay inuu wax ka qabto ayaa ah in wax laga qabto sidii la isugu soo dhoweyn lahaa jiilalka kala go'ay ee Soomaalida ah. Waalidka waxa ay ku dhasheen Soomaaliya, carruurtana Maraykanka, taas oo farqiga kaliya ee jira uusan ahayn jawiga qaboow ee Maraykanka , ee balse sidoo kale fikradaha laga aaminsanyahay Soomaalida uu yahay mid kale." https://www.bbc.com/somali/war-58728814 +entertainment "Cameron Herrin: Gabdho Soomaaliyeed oo ka muraara dillaacsan ""Quruxlowgii xabsiga lagu xukumay""" "Gabdhaha Soomaaliyeed qaarkood, iyo kuwa kale ee caalamka ayaa baraha bulshada aad uga hadal haya nin dhallinyaro ah oo maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ay ku xukuntay xabsi muddo dheer kaddib markii uu shil gaari dad ku dilay. Cameron Herrin, oo sanadkii 2018 isaga oo 18 jir ah waday gaariga nooca Ford Mustang ayaa hooyo iyo gabadheeda ku jiirsiiyay gaarigaasi xaafadda Bayshore Boulevard dalka Mareykanka, waxaana Khamiistii lagu xukumay 24 sano oo xabsi ah. Herrin iyo nin kale oo lagu magacaabo, John Barrineau, ayaa lagu eedeeyay inay tartamayeen markii uu dhacayay shilkaas. Barrineau ayaa sidoo kale wuxuu wajahayaa lix sano oo xabsi ah. ""Dembigan wuxuu galaaftay nolosha labo qof oo qurux badan afar qoysna qalbi jab ayuu ku riday,"" Xeer Ilaaliyaha Gobolka Andrew Warren. ""Xukunna ma dhayi karo amaba dib uma soo celin karo dadkii dhintay, balse waxaan rajeyneynaa in natiijadan ay xoogaa niyadda u djein doonto qoysaska Jessica iyo Lillia."" Garsooraha ayaa xukunka ugu riday Herrin inuu yahay qof qaan gaar ah, ee ma aha inuu yahay dmebiile da' yar ah. Khamiistii, Herrin, qoyskiisa iyo saaxiibadiis ayaa subixii oo dhan waqtigooda ku bixiyay inay ku tilmaamaan qof naxariis badan oo la cafin karo isla markaana aan u qasdin inuu qof dhaawaco. Waxay musiibadii dhacday ku tilmaameen inay ahayd shil xanuun badan. ""Qalbi jab ayay u ahayd isaga iyo qoyskeenna,"" ayay tiri Kim Salter, oo eeddo u ah Herrin. ""Saameyntu mar walba way ku soo laalaabaneysaa maskaxdiisa. Weligeed kama guuri doonto madaxiisa,"" ayay tiri Cheryl Herrin, oo ah hooyada Cameron. Gabdho badan oo ka fal celiyay xkunka lagu riday Cameron Herry ayaa sheegay inuu yahay quruxlow aan u qalmin in xabsiga la dhigo, iyadoo qaarkood ay si kaftan leh u sheegeen inay booskiisa ku beddeli lahaayeen 10 wiil oo Soomaali ah. Gabdhaha qaar ayaa ku kaftamay in tani ay jawaab u tahay sida ay dhawaan wiilasha Soomaaliyeed uga daba dhaceen fannaanada reer Sudan Nada Al Qala. Waxaa jira gabdho kale oo feker kaas ka duwan qaba, sida Khayriya Bintu Siciid, waxay tiri: ""Wiil Soomaliyeed ayaan tageera war gabdhaw iska daaya wiilkaas xitaa hadaad jeclayn heli maysaan raggeennii Soomaalida ahaa geesiyaasheenii ba buuxa."" Hibak Axmed ayaa iyaduna tiri, ""Mid aan ogahay oo Soomaali ah kama qurux badna marka laga reebo timaha xataa qoorta dheer iyo hab labiskiisa."" Qareennadiisa ayaa ku dooday in maskaxda 18 jirka aysan wlei si fiican u korin, sidaas darteedna laga fiirsado xukunka. Qoyska Herrin ayaa sheegay inay iibiyeen gurigooda si ay u helaan lacag ay siiyaan qoyska Reisinger-Raubenolt. Baarayaasha ayaa sheegaya in Herrin uu gaariga ku waday xawaare dhan 100 mayl saacaddii markii uu jiirayay Jessica iyo gabadheeda." https://www.bbc.com/somali/57717455 +entertainment Lamaane habeenkoodii aqal galka seexday goobtii ay xafladda ka dhaceysay "Sawirka lamaane aroos ahaa oo u dhashay dalka Ruwanda iyo martidii ka soo qeyb gashay arooskooda oo lagu qasbay in habeenkii ugu horeeyay aqal galkooda ay ku qaataan banaanka ayaa jawaabo kala duwan laga bixiyay. Lamaanahani iyo martidooda ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen xeerarka xakameynta Corona waxaana lagu qasbay in habeenkaas ay seexdaan garoonkii ay xafladda arooska ka dhacaysay. Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay caro kulul oo ay dadka baraha bulshada kula dhaceen booliiska. Mid ka mid ah lamaanahani oo magaca qariyay islamarkana la hadlay BBC ayaa sheegay ""in aan baryo garoonka habeenkii arooskeyga waa xusuus aan hilmaami doonin inta aa noolahay "", In aad xanuun sababto aadna dadka sidaasi u ceebeyso nagama dhigeyso in aan ka cabsano feyriska Corona amaba aan ilaalino shuruucda."" Booliiska magaalada caasimada ee Kigali, ayaa joojiyay ugu yaraan saddex aroos ka dib markii ay ka soo qeyb galeen in ka badan tiradii loo cayimay oo ahayd 20 qof. Afhayeen u hadlay booliiska ayaa warbaahinta dalka Ruwanda u sheegay ""dad badan ayaa xafladaha ka qeyb galaya waxayna jabinayaan tallaabooyiinka xakameynta "",. Waxaa uu intaa ku daray afhayeenkan in aysan ogolaan doonin inay sii socdaan falalka noocan ah. Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay ""in booliiska ay ka badbadinayaan"" iyaga oo si sharci daro ah dadka xilli habeen ah ku haya goob garoon ah. Balse qaar kale oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dhankooda ammaanay in booliiska arooska, aroosada iyo martidaba ay habeenkii bariisiiyaan garoonka ""si bad-qabkooda loo dhowro"". Clarisse Karasira, oo ah fanaan u dhashay dalka Ruwanda ayaa bartiisa Tweetar-ka soo dhigay qoraal ahaa""ficilkan waa mid bina'aadanimada ka baxsan"", ""waxay uur ku taalo ku noqon doontaa lamaanahani iyo caruurtooda "". Qaabka ay xukuumadda Ruwanda uga jawaabtay feyriska Corona ayaa caalamka guud ahaan laga amaanay. Balse dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuda aadanaha iyo mucaaradka ayaa cambaareeyay islamarkana sheegay in ku tumasho dhanka xuquuqda aadanaha ay dhacday intii lagu guda jiray howlaha xakameynta feyriska. Dalka Ruwanda ayaa waxaa uu cudurka soo ritay in ka badan 22,000 , halka ay u dhinteen 311 qof." https://www.bbc.com/somali/war-56659005 +entertainment Yaasmiin oo mar dhaawac ka badbaadisay Priyanka Chopra "Atariishada caanka ah ee shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood-ka, Priyanka Chopra, ayaa sanad guurada dhalashada ugu hanbalyeysay Yaasmiin Al-Masri oo mar ay xasuusato inay ka badbaadisay dhaawac lagu tilmaamay mid halis ahaan lahaa. Priyanka ayaa baraha bulshada taageerayaasheeda kula wadaagtay muuqaal laga arkayo iyadoo atariishada reer Lubnaan ka badbaadineyso dhaawac soo gaari rabay. Labada atariisho ayaa isla jilay filimkii musalsalka caanka ahaa ee Mareykanka, Quantico, oo uu soo saaray telefishinka ABC. Muuqaalka ayaa lagu arkayaa Priyanka oo socota, gadaasheedana uu kasoo socdo kursi uu Camero la fuushan yahay nin ka mid ah farsamayaaannadii duubayay filimka Quantico, mana aysan ka warqabin iyadu. Laakiin Yaasmiin oo garabkeeda socotay ayaa kusoo boodday iskuna duubtay si ay dhaawacaas uga badbaadiso Priyanka. Muuqaalkan oo ay Yaasmiin qudheeda ku share gareysay boggeeda Twitter-ka ayey kusoo qortay: ""Waxaas waa waxa ay saaxiibbadu isu sameeyaan."" Priyanka ayaa markaas kaddib la arkayay iyadoo aad u argagaxday, wajigana gacmaha saaratay, sidaasna waxay carqalad ku gashay muuqaalkii filimka qeybta ka ahaa ee xilligaas ay duubistiisa socotay. Quantico wuxuu ahaa filimkii ugu horreeyay ee Priyanka Chopra fursadda u siiyay inay kasoo muuqato shaashadaha reer Galbeedka. Atariishadan oo horumar weyn ka gaadhay filimada shirkadda Bollywood-ka, hadda ka horna ku guuleysatay abaalmarinta haweeneyda ugu quruxda badan adduunka ""Miss World"", ayaa saameyn weyn ku lahayd filimka Quantico oo ay kula jireen jilayaal Mareykan ah iyo kuwo kaleba. Waxa uu Quantico markii ugu horreysay shaashadaha kasoo muuqday 27-kii bishii September ee sanadkii 2015-kii, waxaana xalaqadiisii ugu dambeysay lasii daayay 3-dii bishii August ee sanadkii 2018-kii. Jilayaasha kale ee kasoo muuqday musalsalka waxaa ugu caansanaa Jake McLaughlin, Johanna Braddy, Aunjanue Ellis iyo kuwo kaleba. Priyanka iyo Yaasmiin waxay filimkaas kaddib sii noqdeen saaxiibbo aad isugu dhow. Marar badan ayaa la arkaa iyagoo isla jooga oo damaashaadaya. Yaasmiin waxay ku jirtay jilayaashii lagu casuumay arooskii Priyanka Chopra iyo seygeeda Nick Jonas. Sanadkii 2016-kiina iyadoo Priyanka la socota ayey booqasho ku tagtay dalka Hindiya." https://www.bbc.com/somali/war-55044985 +entertainment """Waxaan ogaaday in maalintaas ay aheyd maalin xun""" "Markii Lauren Watson ay jirtay 24, waxay damacday inay is disho. Waxay la murugootay xiriir jeceyl oo ""xun"" markii ay dhashay gabadheeda Codie iyada oo 16 jir ah, waxayna arrintaas ku reebtay xannun dhanka dhimirka ah. ""Xitaa ma dareemin in aan ahay qof banii'aadan ah"" ayay u sheegtay barnaamijka BBC-da ee Radio 1 Newsbeat. ""Waxaan dareemay sida qof aan waxbo aheyn iyo in qof uu nafta iga qaadayo, waxaana dareemay in la iiga siibay xubnaheyga, maba dareensaneyn in aan ahay qof banii'aadan ah"" Lauren waxay ka badbaaday inay is disho bishii Agoosto ee sanadkii 2018-kii. Xafiiska tirakoobka qaranka ee UK wuxuu sheegay in guud ahaan England iyo Wales, tirada dadka is dilay sanadkii 2019-kii ay si aad ah u sarreysay tan iyo sanadkii 2004-tii. Waxaana lagu qiyaasay dadkaas 10 jir ilaa 24 jir, sanadkii 2012-kii tirada dadka is dilayo waxay gaartay 81 halka sanadkii lasoo dhaafay ay gaartay 159. ""Wax naxdin ah iguma reebeyso tiradaas"" ayay tiri Lauren. Xilligii lagu gudo jiray xayiraadda ka hortagga fiditaanka feyraska Korona waxay tageen goob waxay dadka isi dilayo uga tageen warqad ay ku qoran yihiin ereyo dhimrin ah. ""Waxaan helnay farriimo dhowr ah oo ku saabsan tallaabada aan qaadnay, waxay horseeday in aan ogaanno in dad badan ay la daalaa dhacayaan dhibaatadan"" Lauren waxay sheegeysaa in markii hore dadka ay moodayeen in aan ahay qof doonayo in uu soo jiito quluubta dadka. ""Dadka si dhab ah uma qaadaneyn, waxay umaleynayeen inay ila soo deristay xaalad jahwareer ah' ""Markii aan go'aansaday in aan la hadlo saaxibadeyda iyo qoyska waxaan dareemay in xaaladdeydu ay kasoo reyneyso"" Saddex meelood saddex dadkii is dilay sanadkii lasoo dhaafay gudaha England iyo Wales waxay ahaayeen rag, tiradaas oo gaareysay 5,691. Waxay tiradu muujineysa in labatankii sano ee lasoo dhaafay dadka is dilayay ay u badnaayeen ragga. Xilli lagu gudo jiro dhibaatada ka dhalatay safmarka Korona, ha'yadaha samafalka waxay ka digayaan inay soo bateen xanuunada dhimirka maadama dadka qaar ay shaqo la'aan noqdeen iyo dadka qaar ay guryahooda ku cidloobeen. Labo sano kaddib Lauren waxay haatan ku faraxsantahay inay ka badbaado inay is disho. ""Waxaan ogaaday in maalintaas ay aheyd maalin xun"" Waxay dadka ay lasoo deristo dhibaatooyinkaas kula talineysaa inay raacaan qodobadan soo socda. Mararka qaarkood waxaa ceeb ah in dhibaato ay ku heyso isla markaana aad daaremeyso in aysan jirin cid dan kaa leh. Waxaa jiraa dad badan oo dhibaatooda la wadaago saaxibadooda ama talo raadsado. Waa in aad ogaataa waxa ku dhibayo. Marka aad niyad jabsantahay, waxaa dhacdaa in aad la daalacato Facebook oo aad eegto sawirrada asxaabtaadii hore ama aad dhageysato heeso murugo ka hadlayo, ama filin aad horey u daawan jirtay, waana arrinta jirta, ha sameyn tallaabooyinkaas. Ma aha talo dad badan ay jecleysanayaan, dadka qaar marka ay cajisaan waxay isticmaalaan daroogada si ay u firfircoonaadaan. Waxaa laga yaabaa in isticmaalka daroogada iyo khamriga ay ku horseedaan falalka is dilka ah, marka ka fogaaw. Wuxuu noqon karaa sanduuq ama boorso ama qalab kaleba, waxaad ku rideysaa waxyaabaha aad u maleyso inay ku xiiso geliyaan. Waxaadna kala sooo baxeysaa qalabkaas ama waxyaabaha aad jeceshahay ee kuugu jiro sanduuqaas ama boorsadaas si ay farxad kuu geliyaan." https://www.bbc.com/somali/war-54098889 +entertainment Rishi Kapoor: Jilaaga caanka ah ee jaceylka oo dhintay "Jilaaga Bollywood Rishi Kapoor, oo caan ku ahaa kaalintiisa arrimaha jaceylka ee aflaanta, ayaa u dhintay kansar. Wuxuu ahaa 67 sano jir. Wuxuu qeyb ka ahaa jilaayada boqortooyda Kapoor ee aadka u buux-dhaafiyay shirkadda Bollywood, oo ah laanta aflaanta ee Hindiya. Jilaagan ayaa si wayn u soo caanbaxay sannadkii 1973-dii xilligaas oo uu jilay filimkii ugu horreeyay ee atoore uu ka ahaa. Wuxuu ahaa mid ku saabsan jaceylka dhalliyarada aan weli gaarin 20-ka sano. Wixii xilligaa ka dambeeyay wuxuu jilay aflaan jaceyl oo aad u badan oo muddo 20 sano ah uu si joogto ah uga soo muuqanayay. Wuxuu guushaas ku gaaray markii uu si wanaagsan uga soo baxay kaalintiisii jilliinka. Rishi Kapoor wuxuu aflaanta ku soo biiray isagoo aad u yar sannadkii 1970-kii, xilligaas oo aabihii Raj Kapoor uu filim la sameeyay kaas oo lagu magacaabo, Mera Naam Joker. Dhowr ka mid ah aflaantiisii sannadkii 1980-kii illa 90-maadkii - Khel Khel Mein, Karz iyo Chandni - waxay noqdeen kuwii ugu sarreeyay ee la iibsaday. Wuxuu ahaa nin aad ugu wanaagsan dhanka qoob ka cayaarka, aflaantiisana waxaa ku jiray heeso illaa iyo hadda aad caan u ah. Aflaanta guuleysatay ee Rishi Kapoor waxaa inta badan la jilaysay atariishadii caanka ahayd ee Neetu Singh. Waxay isla jileen filimkii ugu sarreeyay ee dhanka jaceylka ee Bollywood, waxay kalgaceylkaas la aadeen illa bannanka, wayna is guursadeen sannadkii 1980-kii. Wiilkooda, Ranbir Kapoor, wuxuu sidoo kale yahay jilaan guul ka gaaray dhanka aflaanta Bollywood-ka. Rishi Kapoor wuxuu sidoo kale aflaan la jilay atoorayaal kale oo caan ah sida Amitabh Bachchan iyo adeerkii Shashi Kapoor. Tobankii sano ee la soo dhaafay wuxuu qeyb ka noqday aflaan kala duwan oo door kooban uu ku lahaa kuwaas oo sidoo kale xiiso yeeshay. Warka la xiriira in uu u dhintay kansar wuxuu imaanayaa maalin ka dib markii uu dhintay Irrfan Khan oo caan ka ahaa Bollywood iyo Hollywood. Rishi Kapoor waxaa ku dhacay kansarka loo garanayo leukemia sannadkii 2018-kii wuxuuna Hindiya dib ugu noqday bishii September ee sannadkii hore ka dib markii muddo uu daweyn u joogay magaalada New York. Arbacadii ayaa loola cararay isbitaalka ka dib markii naqaska uu ku dhegay, Walaalkii Randhir Kapoor ayaa sidaa u sheegay warbaahinta. Qoyska jilaagan ayaa xaqiijiyay geeridiisa, iyagoo farriin ku sheegay in si aayar ah uu u dhintay. ""Dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka waxay sheegeen in uu madadaalinayay illaa ay nafta ka baxaysay. Wuxuu muujiyay sida uu nolosha u doonayay labadii sano ee la soo dhaafay ee xanuunka uu hayay. ""Qoyska, asxaabta, cuntada iyo aflaanta waxay ahaayeen kuwa uu haystay, qof kasta oo xilligaas arkayna wuu la yaabay sida uusan u aqbalin in cudurka uu ka awood bato"". ""Aad ayuu ugu faraxsan yahay jaceylka ay taageerayaashiisa u hayaan ee daafaha caalamka oo dhan. Geeridiisana waxay muujineysaa fahamka ah in dhoollacadeyn lagu maamuuso balse aysan ahayn illin."" Tacsida ay jilaayada kale ee Hollywood u dirayaan qoyska jilaagan ayaa iska soo daba dheceysa. Amitabh Bachchan oo dhowr filim ay iskala shaqeeyeen ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: ""Wuu tagay .. ! Rishi Kapoor .. wuxuu dhintay .. wuu xijaabtay .. way ii dhammaatay!"" Ra'iisul wasaaraha hindiya Narendra Modi wuxuu ku tilmamay qof ""dadka oo dhan la dhaqma, dadka jecel oo firfircoon"" iyo ""qof aad u xirfado badnaa""." https://www.bbc.com/somali/war-52483630 +entertainment Abhishek Bachchan: Atooraha Bollywood-ka ee jecel lagdinta kabaddi "In ka badan lix bilood oo ka mid ah sanadkii 2019-kii, filim sameeyaha abaarmarinnada bada ku guuleystay ee Britain, Alex Gale, wuxuu la joogay koox ciyaarta lagdinta kabaddi, oo ah ciyaar dhaqameed ay dheelaan malaayiin reer Hindiya ah. Gale wuxuu filim ka sameynayay kooxda lagu magacaabo Jaipur Pink Panthers, oo si rasmi ah uga qeyb gasha tartamada kabaddi-ga, uuna leeyahay jilaaga bollywood-ka ee caanka ah, Abhishek Bachchan, kaasoo Soomaalida qaarkeed ay u taqaanno ""Wiilka Cali Dheere"". Kooxdiisa waxay kaalin mug leh ka qaateen sidii ciyaar dhaqameedkaas ay u noqon lahayd tartan weyn oo aad loogu xifaaltamo. ""Waxaan isku dayeynaa inaan muujinno nooc cusub oo lagu soo daray ciyaaraha adduunka, laakiin waxaan sidoo kale u dabaal dageynaa dadkii ugu horreeyay ee ciyaar dhaqameedkan soo hindisay. Waxaan runtii isku daynay inaan filim ka sameyno waxyaabaha ay ciyaarta kabaddi gaarka la tahay ee soo jiita dadka ku nool hindiya bannaankeeda,"" ayuu yidhi Gale oo u warramay BBC-da. Ciyaartan waxay durba iyadoo 6 sano kaliya jirta noqotay tan loogu daawashada badan yahay waddanka Hindiya, iyadoo ku xigta ciyaarta ugu caansan dalkaas ee cricket-ka. Sanadkii 2014-kii ayaa la qabtay tartankii ugu horreeyay ee koobka kabaddi-ga. Siddeed kooxood ayaa tartanka ka qeyb gala, halkii ciyaarna waxay socotaa 40 daqiiqo. In ka badan 400 oo milyan oo ruux ayaa telefishinnada ka daawatay tartankii ugu horreeyay ee ciyaartaas loo qabtay. ""Ciyaar dhaqameed xaafadaha lagu qabsan jiray ayaa loo baddalay tartan caalami ah oo telefishinnada laga daawado,"" ayuu yidhi Joy Bhattacharjya, oo ah soo saare ka shaqeeya muuqaallada isboortiga. ""Kooxdeyda waxay ii macaaneeyaan nolosha,"" ayuu yidhi Bachchan oo ka hadlayay filimka laga duubay kooxdiisa iyo isagaba. Jaipur Pink Panthers hadda waxay ka mid yihiin kooxaha ugu caansan ee kabaddiga. Kaamirada Gale waxay atooraha iyo kooxdiisaba u raaceysaa meel kasta, sida hoteellada, goobaha dalxiiska iyo tababarrada. Waxaa muuqaalka ku wada jira Abhishek Bachchan, aabihiis Amitabh Bachchan iyo xaaska Abhishek, Aishwarya Rai Bachchan. Gale wuxuu sheegay in filimkan musalsalka ah uu qudhiisa wax badan uga baranayay mucjisooyinka ciyaartaas iyo sida ay asal ahaan kusoo billaabatay. Ciyaar dhaqameedka kabaddi waxay Hindiya kasoo billaabatay waqti dheer ka hor, waxayna door muhiim ah kasoo qaadatay dadaalkii uu waddankaas u galay xornimo doonka. Halyeeygii xornimo doonka Hindiya ee lagu magacaabi jiray Mahatma Gandhi ayaa taageeri jiray wuxuuna ka qoray buugaag badan oo uu uga hadlayay faa'iidooyinkii uu ka dhaxlay." https://www.bbc.com/somali/war-55318752 +entertainment 'Hal arrin haddii aan sameyn lahaa, xilligan waxaan ahaan lahaa awoowe' "Atooraha shirkadda filimada Bollywood-ka ee Hindiya, Salman Khan, wuxuu leeyahay taageerayaal aad u badan oo ku kala sugan dunida qeybaheeda kala duwan, laakiin qof walba wuxuu isweydiiyaa sababta uusan ilaa hadda u guursanin ay da'diisa kor usii dhaaftay 50 sano. Inkastoo dadka ku taxan Khan ay u badan yihiin dumar iyo carruur haddana isagu waligiis hal mar xitaa xaas ma uusan yeelanin, carruurna ma uusan dhalin. Hadda ka hor ayuu mar qirtay in haddii uu jacayl u ban dhigan lahaa gabar uu xilligan ahaan lahaa awoowe. Sidaasoo ay tahayna kama shalleysana in dareenkiisa uusan gabadhaas u bandhiganin. Mar ayuu Salman ciyaar kaftan ah la wadaagayay Jilaaga Ajay Devgn iyo kaaskiisa - atariishada ah - ee Kajol, oo kula jiray diyaar garowga filimkiisa Bigg Boss 13. Qeyb ka mid ahayd ciyaartaas oo Salman lagu xiray qalabka beenta garta ayey Kajol weydiisay in ay jirtay gabar uu hadda ka hor ka helay balse uusan naftiisa u oggolaanin in ay dareenkeeda soo bandhigato. Khan ayaa isagoo su'aashaas ka jawaabayay shaaca ka qaaday in run ahaantii ay jirtay gabar uu ka helay hadda ka hor laakiin nasiib darro uusan jacaylkiisa u sheeganin. Wuxuu intaas ku daray in sababta uu ugu sheegan waayay jacaylkiisa ay ahayd in uu ka cabsi qabay iney ku gacan seyrto ama ay diiddo. ""Saddex saaxiibbadeey ah ayaa xiriir jacayl lasoo sameeyay gabadhaas marar kala duwan. Markii dambena waxaa ogaaday in iyada lafteedu ay iga heshay,"" ayuu yidhi. Isagoo aad u qoslaya ayuu sheegay in markii uu ""15 ilaa 20 sano kaddib la kulmay gabadhii iyada ahayd uu ogaaday in ay ayeeyo noqotay"". ""Ilmaha aan ayeeyada u ahay wuu ku taageeraa. Filimadaada ayey jecel yihiin,"" ayey ku tidhi. Salman oo dib u milicsanaya marxaladdaas ayaa yidhi: ""Haddii aan haweeneydaas guursan lahaa, saacaddan waxaan ahaan lahaa awoowe."" Si kaftan ah oo qosol ku dheehan yahay ayuu u sheegay in haddii uu guursan lahaa uu sideeda oo kale u duqoobi lahaa. Ilaa hadda oo uu Salman Khan yahay 55 jir, wali waa atooraha lacagta ugu badan ka sameeya filimada Bollywood-ka, filimadiisuna ay aad u gadmaan. Wuxuu markii ugu dambeysay kasoo muuqday filimkiisa Dabangg 3, oo soo baxay sanadkii 2019-kii. Haddana wuxuu dhammeystiray duubista filimkiisa cusub ee Radhey: Your Most Wanted Bha, kaasoo la filayo in uu dhawaan soo baxo. Sidoo kale wuxuu durba billaabay duubista filimkiisa lagu magacaabo Antime: The Final Truth, halka filimo kalena ay safka ugu sii jiraan. Dhanka kale wuxuu mashquul ku yahay barnaamijkiisa telefishinka ee Bigg Boss 14." https://www.bbc.com/somali/war-55723064 +entertainment Ninka guur ku khiyaanay 17 dumar ah ee lasoo qabtay "Booliska gobolka Bhubaneshwar ee dalka Hindiya ayaa xiray nin la sheegay in uu khiyaanay 17 haween ah isaga oo iska dhigayay dhakhtar iyo xitaa mararka qaar sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee dalkaas. Ramesh Chandra Swain, oo 66 jir ah, ayaa laga soo qabtay habeenimadii Axada guri ku yaala deegaanka Khandagiri ee Bhubaneswar. Remesh ayaa lagu eedeeyay inuu si been abuur ah u guursaday 17 haween ah oo ka soo jeeda 8 gobol oo uu ka qaatay lacago baad ah. Sarkaalka gobolka ee booliska, Bhubaneshwar ayaa BBC u sheegay in ninkan ay suurtageli karto in haween kale uu khiyaanay marka laga reebo 17-ka haween ah. """"Waxaan helnay macluumaadka ku saabsan saddex dumar ah oo ka mid ah 17 ka dib markii la xiray Ramesh, Saddexdaas, waxay ka kala soo jeedaan Odisha, Chhattisgarh iyo Assam oo saddexduba waxay dhameysteen waxbarasho sare, waxaana ogaan doonaa in dumar kale uu dhibaato u geystay"" Saraakiisha waxay sidoo kale inay baarayaan teleefoonka gacanta ee Remesh si loo ogaado xogta ku saabsan dhaqaalihiisa. Isagoo bixinaya macluumaadka ku saabsan qaabkii loo soo qabtay Ramesh, wuxuu taliyaha sheegay ""Ninkan waxaan raadinaynay dhowr maalmood, waxaan qaadnay tallaabo kasta oo lagu soo qabanayo. ""Laakin wuxuu ku noolaa Bhubaneswar , in muddo ah ma suurta galin in la qabto. Ugu danbayn Axadii waxa aan ka war helnay in uu yimid Bhubaneshwar,waxa aanu isla habeenkii ka soo qabanay gurigiisa Khandagiri"". Ayuu yiri Umashankar Das , taliyaha gobolka. Kiiska uu booliiska Bhubaneswar ku baadigoobayay Ramesh ayaa waxaa diiwaan galisay mid ka mid ah 17-ka dumarka ah ee uu khiyaameeyay. Haweeney wax ka dhigta iskuul ku yaalla Delhi ayaa ahayd dhibbanihii ugu dambeeyay ee Ramesh. Xilli uu isku sheegayay in uu yahay ku xigeenka wasaaradda caafimaadka, Ramesh wuxuu la xiriiray haweenaydan ka dibna ku guursaday macbadka Arya Samaj ee Kuberpuri sanadkii 2020. Ka dib dhowr maalmood uu joogay joogay Delhi, Ramesh wuxuu u yimid Bhubaneswar isaga iyo xaaskiisa cusub, waxay dageen guri dabaq ah oo ku yaalla Khandagiri. Haweeneydan ayaa ogaatay in Remesh ay wada joogeen xaas kale, waxay dacwad ka gudbisay Remesh, markii uu ogaaday in booliska ay raadinayeen lamabarkiisii teleefoonka ayuu baddashay, wuuna baxsaday. Sida laga soo xigtay booliska, xilliggaas waxay ninkan wada joogeen xaaska kale oo u daganeyd deegaanka Guwahati. Ramesh, oo degan Patkura ee degmada Kendrapara ee Odisha, ayaa markii ugu horreysay aqalgalay 1982, xaaskiisii koowaad waxay u dhashay saddex wiil, Saddexduba waa dhakhaatiir waxayna ku nool yihiin dibadda. Sanadkii 2002, 20 sano kadib guurgiisii ugu horreeyay, wuxuu shabaqa geliyay haweeney degganeyd Jharkhand oo dhakhat ka aheyd cisbitaal ku yaallay halkaas. Maxaad ka taqaannaa gabdhaha ilaaliya xiddigaha filimada, sida Shahrukh Khan? Ma Guur mise Gaabsi? Ragga Soomaaliyeed ee gabdhaha u doonta Hindiya Talooyinka muhiimka ah ee guurka ka hor Maalmo ka dib, waxaa gabadh loo wareejiyay Allahabad, Remesh ayaa markii dambe halkaa aaday si uu ula noolaado ""Xaaskiisa"", wuxuu bilaabay in uu lacago iyo dahab ah ka qaato. Ninkan wuxuu inta badan beegsan jiray haweenka la furay ama dhalma baxa ah, inta badan wuxuu ku xulan inay dhaqaalo leedahay ama inay shaqeyso. Waa nin cod kar ah oo haweenka soo jiita, wuxuu inta badan dumarka ku khiyaani jiray in uu yahay dhakhtar iyo sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka isaga sitay aqoonsiyo been abuur ah si dumarka uu uga dhaadhiciyo in uu shaqooyinka qabto. Remesh ma aheyn dhakhtar balse wuxuu heystay shahaadada Diploma ee cilmiga dawooyinka. Marka laga reebo in uu dumar badan si been abuur ah ku guursaday, Ramesh waxa kale oo uu khiyaanay dad kale oo badan. Dhallinyaro badan oo dalka u dhalatay ayuu khiyaanay isagoo u ballan qaaday inay geli doonaan kulliyadaha caafimaadka, lacag ayuu ka qaatay dhalinyaradaas, Waxaana markii xiray ciidanka gaarka ah ee booliska ee Hyderabad, Laakiin ka dib markii uu damiin ku soo baxay, waxa uu haddana bilaabay shaqadiisii ​​khiyaamada." https://www.bbc.com/somali/war-60443054 +entertainment Tartanka Quruxda: Boqoradda quruxda ee Sri Lanka oo ku dhaawacantay dagaal ka dhacay masraxa dushiisa "Haweeneyda ku guuleysatay abaalmarinta ugu weyn dhinaca quruxda ee dalka Sri Lanka ayuu dhaawac madaxa ka gaaray kaddib markii la isku dagaalay masraxa dushiisa. Boqoradda Quruxda oo lagu magacaabo Pushpika De Silva ayaa ku guuleysatay tartanka ""Mrs Sri Lanka"" markii munaasabad telefishinka laga daawanayay oo xilkaas loogu tartamay ay dhacday Axaddii. Wax yar kaddib, haweeneydii abaalmarintaas ku guuleysatay 2019-kii ayaa taajka ka qaadday Mrs De Silva, iyadoo sheegtay in aysan u qalmin xilkaas maadaama ay tahay haweeney lasoo furay. Abaal marintan ayaa hadda dib loogu celiyay Mrs De Silva, kaddib markii qabanqaabiyeyaasha munaasabaddan ay soo xaqiijiyeen in aan la furin. Garsooreyaal maxkamadeed ayaa habeenkii Axadda Mrs De Silva u magacaabay Boqoradda Quruxda ee 2021-ka, xilligaas oo uu fiinaalkii tartanka ka dhacay magaalada Colombo. Hase yeeshee, Caroline Jurie, oo tartankan ku guuleysatay 2019-kii ayaa mar qura Mrs De Silva ka xayuubisay taajkeeda, iyadoo sheegtay in xeerka u yaalla tartankan uu yahay in abaal marintaas la guddoonsiiyo haweeney xaas ah oo aan garoob ahayn. ""Waxaa jira sharci taajkan ka hor istaagaya dumarka horay loo guursaday oo la furay, sidaas darteed waxaan qaadayaa tallaabo taajka lagu siinayo qofka galay kaalinta labaad,"" ayay Mrs Jurie ku tidhi ka qeyb galeyaashii xafladda. Islamarkiiba waxay taajkii madaxa u saartay gabadhii laga guuleystay arrintaas oo sababtay in Mrs De Silva oo oyneysa ay ka cararto masraxa, sida uu muujinayo muuqaal dhacdadaas laga soo duubay. Qabanqaabiyeyaasha tartankan ayaa ka raalligeliyay Mrs De Silva arrinta dhacday, maadaama ay sheegtay in iyada iyo ninkeeda ay kala tageen oo kaliya balse aysan is furin. Qoraal ay soo dhigtay Facebook ayay ku sheegtay in ay isbitaal adday si looga daweeyo dhaawac madaxa ka gaaray intii taajka laga bixinayay. Mrs De Silva waxay sheegtay in ay sharciga la tiigsan doonto ""aflagaaddada loo geystay"" iyo sida loola dhaqmay. ""Waxaa jira hooyooyin iskaabulo ah oo sideyda oo kale maanta ugu dhibaateysan dalka Sri Lanka gudihiisa,"" ayay tidhi Mrs De Silva oo qabatay shir jaraa'id. ""Taajkan waxaa loogu talogalay dumarkaas, hooyooyinkaas iskaabulada ah ee caqabadaha kala kulmaya korinta ilmahooda iyagoo kaligood ah."" Agaasimaha tartanka Mrs Sri Lanka, Chandimal Jayasinghe, ayaa BBC-da u sheegay in taajkaas Mrs De Silva loo celin doono Talaadada. Booliska ayaa dhacdada su'aalo ka waydiiyay Mrs Jurie, oo hadda ah qofka xilka Boqoradda Quruxda haya iyo sidoo kale Mr Jayasinghe. Tartankan ayaa ka mid ah kuwa ugu waaweyn dalkaas. Xaaska Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka mid ahayd marti sharaftii ka qayb gashay xafladda caleema saarka boqoradda quruxda ee Sri Lanka." https://www.bbc.com/somali/war-56651726 +entertainment Halyeeyaddii Hindiya ee codka halaasiga lahayd, Lata Mangashkar oo geeriyootay "Lata Mangeshkar, ayaa maanta ku ku geeriyootay Mumbai iyadoo 92 jir ah, waxay ahayd halyeyad ku xeel dheer hidaha iyo dhaqanka Hindiga waxay sidoo kale ahayd hanti qaran oo ku soo caanbaxday aflaanta Bollywood-ka - inkastoo ay dhab ahaantii ka soo muuqatay shaashadaha filimaan fara ku tiris ah. Xiddigta sida qadiimiga ah loo tababaray ayaa caan ka noqotay fanka Hindiya ee sida xawliga ah ku socda, iyadoo noqotay heesaa, oo codka heesa ah siin jirtay jilayaasha aflaamta Bollywood-ka muddada ay soo jirtay oo ahayd in ka badan nus qarni. Muddo tobanaan sano ah, Lata Mangashkar waxay ahayd fannaanka loogu doonista badan yahay waddankaas, iyadoo atariisho kasta oo sarena ay doonaysay inay qaado heesahooda. Dhanka kale, waxay qaadday ilaa 30,000 oo heesood oo ka kooban noocyo badan kuwaas oo isugu jira 36 luqadood. Lata Mangeshkar waxa ay ku dhalatay magaalada Indore ee bartamaha dalka Hindiya 28-kii Sebtembar 1929-kii. Aabaheed waxa uu ahaa heesaa, jilaa masraxyada gilgila iyo soo-saare riwaayadaha muusiga ee luuqadda Marathi-ga. Waxay curad u ahayd shan caruur ah oo la dhashy, iyadoo walaalaheed ay raaceen wadadii ay martay, sidoo kalena waxay noqodeen fanaaniin caan ka ah Hindiya. Wareysi lala yeeshay, Mangeshkar waxay ku sheegtay in qoyskeedu ay ku caan baxeen muusiga qadiimiga ah. Weligeed waxbarasho toos ah ma yasan gelin. Gabar shaqaalo ah ayaa bartay alifbeetada Marathiiga, wadaadka deegaankana waxa uu baray Sanskrit, halka qaraabada iyo macalimiinteeda ay guriga ku bari jireen maaddooyin kale. Atoorihii qarni jirsaday oo diiday inuu u dabaaldego dhalashadiisa Bollywood: Sida uu cudurka corona u saameeyay qoysaska jilaayaal caan ah ee Hindiya Maxaa kala heysta coronavirus iyo jilayaasha filimada ee Hindiya? Xaaladda ayaa ku adkaatay ka dib markii aabaheed uu khasaaray ka dibna laguna khasbay inuu xiro shirkaddiisii ​​tiyaatarka. Qoysku waxay u guureen galbeedka magaalada Poona oo la yirahdo (Pune). Kadib geeridii aabaheed, qoysku waxay u guureen Bombay (oo markii dambe loo beddelay Mumbai). Ugu dambeyntii waxaa wax u suurogashay inay wax wax ka jishay siddeed filim oo Marathi iyo Hindi isugu jira. Sannadkii 1947-dii, waxay samaynaysay nolosheeda jilitaanka filimada - laakiin kuma faraxsanayn. 'Anigu cabsi ma qabo' Waxay ku luuqaysay heeso badan oo xusuusta galay, waxay sidoo kaalin muhiim ah ay ka qaadatay aflaan caan ah oo ka mid yihiin Pakeezah, Majboor, Awaara, Mughal e Zam, Shree 420, Aradhana iyo Dilwale Dulhania Le Jayenge. Waxay u heesi jirtay atariisho kasta oo dumar ah, laga soo bilaabo Madhu Bala 1940-meeyadii ilaa Kajol 1990-meeyadii, iyada oo garab taagan fannaaniin caan ah, oo ay ku jiraan Mohammad Rafi iyo Kishore Kumar. Sido kale waxay la shaqeysay agaasimayaal Bollywoodka hormuud ka ah, sida Raj Kapoor iyo Guru Dutt ilaa Mani Ratnam iyo Karan Johar. Waxay sidoo kale heeso la qaadday walaasheed oo ah heesaa kale oo hormuud ah oo la yirahdo, Asha Bhosle iyada oo ka fogaanaysa wax calaamad ah oo muujinaya xafiiltanka walaalaha inkasta oo ay xirfadahooda isku mid ahayd. ""Aad ayaan isugu dhownahay - waligeen maanu tartamin,"" Caasha ayaa u sheegtay BBC-da 2015. ""Jacayl badan ayaa naga dhexeeya, aad ayaan ugu raaxeeystaa inaan la heeso."" Mangeshkar waxa ay ahayd haweeneey aad u karti badan si ay ula tartanto fannaaniinta ragga ah ee ugu sarreeya, sida Mohammand Rafi. Mar la weydiiyay heesaheeda caanka ah ee Bollywood ayay Mangeshkar sheegtay inay u badan yihiin heesaha jacaylka. Waxay ku raaxaysatay dhageysiga Mozart, Beethoven, Chopin, Nat King Cole, the Beatles, Barbra Streisand iyo Harry Belafonte. Waxay u tagtay inay aragto Marlene Dietrich oo ku heesaysa masraxa, waxayna jeclayd tiyaatarka Ingrid Bergman. Waxay kaloo aad u jecleyd in ay soo daawato filimada Hollywood-ka waxay gaar ahaan aad u jeclayd filimka The King and I, oo ay sheegtay in ay ugu yaraan dawaatay 15 jeer. Waxay sidoo kale jeclayd Filimada James Bond iyo Sean Connery ama Roger Moore. Baabuurtu waxay ahaayeen dareen kale. Waqtiyo kala duwan oo nolosheeda ah waxay lahayd Hillman cawlan iyo Chevrolet buluug ah, Chrysler iyo Mercedes. Guriga, waxay lahayd sagaal ey. Mangeshkar waxa ay teegeeri jirtay ciyaaraha cricket-ka ee aadka u adag, inta badana nasiino ka qaadan jiray duubista si ay u soo daawato ciyaaraha. Waxay xiiseyn jirtay cunno karinta iyo sawir qaadidda, waxayna aad u siticmaali jireen kamarad Rolleiflex. Fasaxyada Mareykanka ayay u jeclayd gaar ahaan Las Vegas. ""Tani waxay u ekaan kartaa wax la yaab leh, laakiin markii aan fasaxa ku booqan jiray Mareykanka, waxaan jeclaa inaan waqti ku qaato Las Vegas,"" ayay tiri ""Waa magaalo aad u xiiso badan, runtii aad ayaan ugu riyaaqay ciyaarta mishiinada habeenkii oo dhanna waxaan ku qaadan jiray mashiinka ciyaarta. Aad ayaan u nasiib badanahay oo waxaan ku guuleystay marar badan."" Sannadkii 1979-kii, waxay noqotay Hindigii ugu horreeyay ee bandhig faneed la sameeysa Kooxda Orchestra ee Wren ee ka dhacay Hall-ka Royal Albert. ""Waxaay ilatahay in Farxaddu lala wadaago aduunka, murugaduna waa inaad naftaada ku koobto,"" Mangeshkar ayaa mar sidaasi tiri. Muusigeeda aan weligeed laga xiisa dhicin ayaa runtii farxad u horseeday malaayiin Hindi ah, sida Nasreen Munni Kabir ay tiri, ""waxay nootay bqoradda codka""." https://www.bbc.com/somali/war-60278161 +entertainment Maxaa filinka cusub ee Akshey Kumar looga mamnuucay dalalkan? "Dhowr bilood kaddib oo adduunku uu u dhaxeeyay bandowga iyo xayiraadaha coronavirus, milkiilayaasha tiyaatarrada dunida ayaa nafis dareemay kaddib markii jilaaga Akshay Kumar uu soo bandhigay filinka 'Bellbottom' 19-kii bishan August. Balse 'Bellbottom', oo dunida laga daawaday, ayaa waxaa mamnuucay saddex dal oo Khaliijka ka tirsan. Filinka ayaan loo oggolaan in laga daawado shaashadaha Sacuudiga, Kuwait iyo Qadar. Madhu Bhojwani, Jackky Bhagnani, Vashu Bhagnani iyo Nikhil Advani ayaa soo saareyaal ka ah filinka 'Bell Bottom'. Iyadoo ka hadleysay mamnuucidda 'Bellbottom' laga mamnuucay saddexdan dal, ayaa soo saare Madhu Bhojwani waxay tiri, ""Go'aanka an inaan filinka la sii deyn waa arrin u gaar ah dal walba. Waxaynu sameynay filin ka hadlaya dhacdooyin dhab ah. Haddii dal uu go'aan gaaro, markaas waa danahooda. Waxba kama oran karno arrintan."" Komal Nahta oo arrimaha ganacsiga falanqeeya ayaa yiri, ""Sababta aan filinka looga oggolaan dalalkan sadedxda ah waa mid ku saabsan waxa uu ka hadlayo."" Madhu Bhojwani ayaa sheegtay inaysan ka jawaabi karin arrintaas. Dhab ahaantii filinku wuxuu ku saleysan yahay afduub diyaaradeed. Waxaa la sheegay in sheekada filinka laga sameeyay diyaarad la afduubtay sanadkii 1984. Diyaaradda oo mid rakaab ahayd ayaa laga keenay Lahore waxaana la geeyay Dubai. Sida laga soo xigtay dhacdada runta ah ee sanadkii 1984, wasiirkii gaashaandhigga Imaaraatka Carabta ee xilligaas, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, ayaa si shakhsi ah u xalliyay arrinta, afduubayaashana waxaa xirtay dowladda Imaaraatka. Balse waxaa filinka lagu xusay in keliya saraakiisha Hindiya ay fuliyeen howlgalka qarsoodiga ah. Sababtan darteed, waxaa la rumeysan yahay in xaqiiqooyinka lagu beddelay filinkan. Si kastaba, wax warbixin rasmi ah lagama soo saarin sababta ka dambeysa mamnuucidda filinka. Shineemooyinka adduunka ayaa haatan waxay keliya qaadaan ilaa boqolkiiba 50 inta xaddigoodu yahay. Saameynta arrintan ayaa laga dareemay dhaqaalaha laga sameeyay filinka. Keliya boqolkiiba 30 dakhliga filinka ayaa ka yimid gobolka Maharashtra ee Hindiya, balse sababo la xiriira xiritaanka hoolalka shineemooyinka Maharashtra, ayaa sameyn ku yeeshay dhaqaalaha filinka. Balse soo saare Madhu Bhojwani kama xuma dakhliga yar ee laga helay filinka. Waxay tiri, ""Waxaan ku faraxsannahay inaan helnay fursadda ah keliya boqolkiiba 50 filinkuna waa mid ku guuleystay ujeeddadiisa. Waxaynu awoodnay inay dadka keenno tiyaatarrada."" Madhu Bhojwani ayaa intaas raacisay, ""Filinkan dartiis, milkiilayaasha tiyaatarrada, dadweynaha, kaaliyeyaasha iyo dhammaan dadka ku shaqada leh bahda aflaanta waxay muujiyeen iftiin rajo ah. Qof walba waxaa lagu dhiirri geliyay inay aad muhiim u tahay in la furo tiyaatar."" Marka laga soo tago Akshay Kumar, Lara Dutta, Vaani Kapoor iyo Huma Qureshi ayaa door muhiim ah ka cayaaray filinkan 'Bell Bottom' halka filinku uu agaasime ka ahaa Ranjit Tiwari." https://www.bbc.com/somali/war-58325901 +entertainment Atariisho iyadoo filim jilaysa dhimasho ka badbaadday markii dambena dhashay atoore caan ah "Markii uu jilaagii caanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Dilip Kumar ka baxay heshiiska jilista filimkii ""Mother India"", waxaa khasab noqotay in atoore kale la raadiyo. Balse dhinaca doorka dumarka waxaa diyaar u ahayd ee la oran jiray Nargis, balse magaceeda dhalsahada uu ahaa Fatima Rashid. Agaasimihii hagayay filimkaas, Mehboob Kahan, waxa uu dadaal dheer kaddib lasoo heshiiyay Sunil Dutt, si uu atoore uga noqdo filimkiisa, oo soo baxay 1957-kii. Sunil Dutt waxa uu mar ahaan jiray wariye barnaamijka raadiyaha ku martigeliya jilayaasha filimada. Hal mar oo keliya ayay horay isu arkeen isaga iyo atariishada filimkan, Nargis, xilligaas oo uu wareysanayay. Shan sano kaddib markii uu waraysigaas dhacay shan sano inay isguursadaan ayaa qornayd. Laakiin qiso cajiib ah ayaa sabab u noqotay inay isjeclaadaan ugu dambayntiina reer yagleenaan. Mehboob waxa uu mar walba ku dadaali jiray in jilayaasha ka shaqaynaya filimadiisa ay saaxiibtinnimo fiican yeeshaan, si loo jeclaado howshiisa. Inta badan filimadiisa waxa uu ku duubi jiray bannaanka si ay jilayaasha waqti dheeri ah ugu helaan inay sheekeystaan marka lasii socdo. Nargis inta ay duubista filimkan socotay waxa ay waqti fiican la qaadatay labada atoore ee filimka ku wehlinayay, oo kala ahaa Sunil Dutt iyo Rajendra Kumar. Agaasime Mehboob waxa uu filim duubihiisii la oran jiray Fardeen Irani ku amray in muuqaallada qaar lagu duubo deegaannada ay fatahaadaha ka dhacayeen, gaar ahaan gobolka Uttar Pradesh. Inta badan filimka ""Mother India"" waxaa lagu duubay gobollada Maharashtra iyo Gujarat. Filimka oo ay duubistiisa si habsami leh u socoto ayay dhacday arrintii sababtay inay isu soo dhawaadaan Nargis iyo Sunil Dutt. Qorshaha filimka waxaa ku jirtay in lagu soo daro qayb uu dab ku jiro. Muuqaalka dabka ee caanka noqday waxaa lagu samaynayay Gujarat. Waxyar oo caws ah ayaa la rabay dab la qabadsiiyo si Sunil Dutt, oo isqarinayay, uu ugu khasbanaado inuu soo baxo isagoo ka baqaya dabka. Qoraaga TJS George ayaa buug uu uga sheekeynayay dhacdadan ku qoray: ""Nargis oo u ordaysay si ay u damiso dabka ayay dabayshii dhinaca kale isu rogtay, si lama filaan ah ayuuna dabkii u waynaaday, ilaa heer ay ku dhex xanniban tahay gudaha. ""Islamarkii uu Sunil arkay sida ay xaaladdu noqotay wuxuu ku dhex orday holicii oo uu dhex qaaday, waxa uuna bannaanka usoo bixiyay Nargis, oo uu ka badbaadiyay dabka ay halis ugu gashay inay ku dhimato. ""Sunil Dutt wuxuu dhaawac gubasho ah kasoo gaaray dabka, maadaama uu holaca dhex galay."" Arrintaas waxay sababtay in Nagris ay jacayl xad dhaaf ah u qaaddo Sunil, halkaasna waxaa ka billowday xiriir qota dheer oo labadooda qalbi u dhaxeeya. Goor dambe Nargis waxa ay xusuus qorkeeda ku tiri: ""Markii isbitaalka nala geeyay waxaa nalagu duray cirbado xanuun baabi'iye iyo hurdo ku jirto. Mar kasta oo uu qof ii imaado waxaan waydiinayay hal su'aal, oo ahayd, 'siduu yahay Sunil?'. Markii ay soo roonaatay waxay u wareegtay qaybta uu isbitaalka ka jiifay Sunil, halkaas oo ay ku xannaanaynaysay. Jilayaashan ayaa ugu dambayn ku guulaystay in ay aqal galaan, carruurta ay isu dhaleenna waxaa ka mid ah atooraha caanka ah ee markii dmabe wacdaraha ka dhigay Bollywood-ka, Sanjay Dutt. Atoorahan ay waalidiintiisa labaduba jilayaasha ahaayeen - oo dhashay 29-kii bishii July ee sanadkii 1959-kii - ayaa ka mid ah xiddigaha ugu waawayn Bollywood-ka, waxa uuna jilay ilaa 187 filim." https://www.bbc.com/somali/articles/c1rejgqd3vdo +entertainment Waa kuma Jilaagii caanka ah ee geeriyooday? "Jilaagi caanka ahaa ee Sir Sean Connery oo loo yaqiinnay James Bond ee geeriyooday da'diisu waxay ahayd 90 jir. Jilaagan geeriyooday oo ka soo jeeda Scotland wuxuu filimaanta uu ku jili jiray magaca jilliinka ee James Bond, wuxuuna si aad ah uu ugu soo caan baxay filimki sirdoonka ee la magac baxay 007. Wiil uu dhalay Sir Sean, ayaa sheegay aabbihii sida uu u seexday inuu ka soo kicin uuna ku geeriyooday Bahamas , balse xilliyadi u dambeeyey ay xaaladdiisu wanaagsaneen. Jilaagan geeriyooday oo in ka badan 50 sano jilidda filimaanta ku soo jiray wuxuu muteystay abaalmarinno caalami ah, isaga oo sanaddi 1988-ddii la guddoonsiiyey abaalmarinta Oscar. Filimaanta caanka ah ee lagu xusuusanayo Sir Sean's (James Bond) waxaa ka mid ah The Hunt for Red October, Highlander, Indiana Jones, the Last Crusade iyo The Rock. Jason Connery wuxuu sheegay ""aabbihii xilliga uu geeriyoonayey iney la joogeen xubno qoyskiisa ka tirsan, uuna ku geeriyoday magaalada Nassu oo Bahamas ka tirsan oo uu horay ugu jilay filimka 'Thunder ball'."" ""Maalin muruga leh ayay u tahay cid kasta oo garaneysay iyo cid kasta oo abbahay jecleyd, dadka dunida ku noolna waxaa ka baxay qof qaali ku ah oo uga tagay hadiyado qaali ah uu jilitaankiisa ku goddoonsiiyey."" Wuxuuna Sir Sean Connery uu ka tagay xaaskiisa iyo wiilashiisa oo kala ah Jason iyo Stephane. Daniel Craig oo haatan filimaanta ku matala magaca James Bond, wuxuu sheegay Sir Sean inuu ahaa ""mid ka mid ah shaqsiyaadki dhinaca jilitaanka filimaanta ugu mudnaa"". ""Sir Sean Connery waxaa lagu sii xasuusan doonaa magaca James Bond iyo waxbadan uu nooga tagay"" ayuu yiri. ""Sir Sean wuxuu jeclaan jiray ciyaarta golf, waxaanna u maleynayaa tababar golf inuu haystay."" Sir Sean filimki ugu horreeyey uu jilay wuxuu ahaa 'No Road Blocks' oo uu jilay 1957-kii, halka filimkiisi ugu dambeeyeyna uu ahaa 'Sir Billi' oo uu jilay 2012-kii. Magaca James filimki ugu horreeyey uu jilay uu caankana ku noqday wuxuu ahaa filimka 'Dr No' ee uu soo saaray 1962-kii. Balse filinka taxanaha ah ee 007 ayuu si aad ah ugu soo caan bxay. Sir Sean bishii August ee sanadkan ayuu xusay sanad guurada 90-aad ee dhalashadiisa." https://www.bbc.com/somali/war-54765940 +entertainment Bollywood: Waa kuma askariga xaaskiisa ay atariishada tahay ee wiilka Shah Rukh Khan u xiran yahay? "Aryan Khan, oo ah wiilka uu dhalay xiddigga Bollywood-ka, Shah Rukh Khan, ayaa wajahaya eedeymo la xiriira arrimo siyaasadeed iyo dhaliilo kale tan iyo markii ay xabsiga u taxaabeen ciidamada ka howl gala laanta la dagaallanka maandooriyaha ee magaceeda loo soo gaabiyo NCB. Waxaa lasoo xiray kaddib markii uu soo galay raad ku saabsan daroogo la sheegay inuu ku lug lahaa. Fal celin aad u badan iyo hadal-heyn ballaaran ayaa ka dhalatay dhacdadan maadaama wiilka la xiray uu dhalay atoore magac weyn ku leh hindiya. Maanta oo ah 13-ka bisha October, 2021 ayaa la filayaa in uu billowdo dhageysiga kiiska ka dhanka ah Aryan. Arrintan oo dhan waxaa bartanka uga jira agaasimaha NCB ee aagga Mumbai, oo lagu magacaabo Sameer Wankhede. Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, NCB waxay gudaha Bollywood-ka ka fulisay olole ka dhan ah maandooriyaha, kaasoo lagu bartilmaameedsanayay jilayaal badan oo ka tirsan shirkaddaas. Waxaa Sameer qudhiisa lagu eedeynayaa inuu Bollywood-ka daba dhigtay si uu wai u sii ahaado hadal heynta wararka warbaahinta. Hase yeeshee Sameer ma aha nin ku cusub inuu dhexda ka istaago muran, horayna waxaa loogu jeediyay eedeymo noocan oo kale ah. Markii uu hadda ka hor ka shaqeynayay waaxda canshuuraha ee garoonka diyaaradaha Mumbai waxaa sidoo kale uu tallaabooyin ka qaaday qaar ka mid ah dadka caanka ah ee ka tirsan Bollywood-ka. Sameer Wankhede waxa uu kasoo jeedaa gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya. Magaciisa waxa uu soo shaac baxay sanadkii 2008-dii waxa uu ka howl galayay qaybta canshuuraha ee garoomada diyaaradaha. Markii ugu horreysay waxa uu booliska Hindiya ku biiray sanadkii 2006-dii. Sameer aabihiis xitaa waxa uu ahaan jiray askari ka tirsanaa booliska Hindiya. Markii uu ku biiray waaxda canshuuraha, Wankhede waxaa durbadiiba la geeyay qaybta kastamka. Waxa uu muddo dhowr sano ah taliye ku xigeen ka ahaa waaxda canshuur eegista ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Mumbai. Waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay taliska sirdoonka canshuuraha (DRI) iyo iyo Laanta Qaran ee baaritaannada (NIA). Laanta NIA waa hay'ad ka tirsan dowladda oo baaritaanno ku sameysa falalka la xiriira argagixsada. Sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii, Sameer Wankhede waxaa loo magacaabay inuu noqdo taliyaha laanta la dagaallanka iyo xakameynta maandooriyaha ee magaalada Mumbai. Waxaa sidoo kale la guddoonsiiyay abaalmarinta ugu wanaagsan ee dhinaca baaritaanka, taasoo ay siisay wasaarad ka tirsan xukuumadda. Sameer Wankhede waxa uu markii ugu horreysay wararka warbaahinta qabsaday 2020-kii kaddib markii uu la wareegay baaritaannada la xiriira eedeymaha ganacsiga daroogada ee ka jiray gudaha Bollywood-ka. Eedeymaha la xiriira in xiddigaha Bollywood-ka ay ku lug leeyihiin ganacsiga maandooriyaha waxa ay indhaha NCB kusoo jeesteen kaddib geeridii atoorihii lagu magacaabi jiray Sushant Singh Rajput. Bannaanka ayay iska taallay hadal heynta ku saabsan in jilayaasha Bollywood-ka ay isticmaalaan daroogada, waxaana taas sii dheereyd in Sushant Singh Rajput saaxiibtiis Rhea Chakraborty lagu eedeeyay inay isticmaasho daroogada. Ciidanka ka howlgala NCB ayaa xabsiga u taxaabay Rhea Chakraborty, kaddibna Sameer Wankhede waxa uu u soo jeestay inuu dabagal ku sameeyo Bollywood-ka. Xarunta NCB waxaa sidoo kale looga yeeray xiddigaha kala ah Deepika Padukone, Sara Ali Khan, Rakul Preet Singh iyo Sharaddha Kapoor, kuwaasoo dhammaantood su'aalo laga weydiiyay arrintan, halka majaajiliistaha caanka ah ee lagu magacaabo Bharti Singh isagana loo xiray eedeymo ku saabsan maandooriyaha. Jilayaasha kale ee su'aalaha la weydiiyay waxaa ka mid ah Arjun Rampal oo ka mid ah atooreyaasha ugu magaca weyn Bollywood-ka iyo atariisada musalsalka telefishinnada ee lagau magacaabo Pratika Chauhan. ""Sanadkan gudihiisa oo kaliya waxaa, NCB waxay fulisay 94 howlgal oo laga sameeyay Mumbai iyo 12 laga sameeyay Goa,"" ayuu yiri Wankhede oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee ANI. Waxa uu intaas ku daray ""in 12 qof loo xiray dacwado la xiriira daroogada"". Laakiin Sameer Wankhede waxaa lagu eedeeyay inuu si sharciga ka baxsan u bartilmaameedsado xiddigaha Bollywood-ka si uu ugu soo caan baxo. Xitaa markii uu Sameer Wankhede ka howlgalayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Mumbai, waxaa lagu dhaliilayay inuu si gaar ah u daba dhigan jiray xiddigaha Bollywood-ka. Intii uu taliye ku xigeenka ka ahaa qaybta canshuur eegista waxa uu ganaax dul dhigay atariishada Bollywood-ka ee lagu magacaabo Manissha Lamba iyo fannaanka la yiraahdo Mika Singh. Waxaa la sheegay in sanadkii 2011-kii markii koobka ciyaaraha Cricket-ka ee Hindiya ay kusoo guuleysatay la keenay garoonka diyaaradaha Mumbai la diiday in lala soo galo ilaa laga bixiyo canshuur. Xilligaas Sameer ayaa joogay qaybta canshuur eegista. Sameer Wankheda waxa uu mar walba wajihi jiray eedeymaha ku aaddan inuu neceb yahay Bollywood-ka balse xaaskiisa waa atariisho soo jisha filimada ku baxa Marahi-ga iyo Hindiya. Atariishadaas oo lagu magacaabo Kranti Redkar waxa uu guursaday dhowr sano ka hor. Barteeda Instagram-ka ayay Kranti Redkar soo dhigtay farriin ay ninkeeda ku bogaadineyso shaqada uu ka qabtay laanta ka hor tagga daroogada, waxayna tiri: ""Waad ku mahadsan tahay shaqadaada. Dhammaanteen waan bogaadineynaa shaqada NCB iyo tallaabooyinkeeda inkastoo lasoo hadal qaado Bollywood-ka oo kaliya balse ay jiraan dad kale oo ay saameysay shaqada"". ""Waxaa jira dad sheegaya in NCB ay si gaar ah u raadsato dadka ku jira Bollywood-ka, laakiin dadkaas waxaan kula talinayaa inay wax aqriyaan, wararkana la socdaan. Way sahlan tahay in wax la eedeeyo iyadoo guriga la iska fadhiyo, taleefan qaali ahna la isticmaalayo, inta aad wax eedeyneyso adigoo iska fadhiyana, NCB waxay ku mashquulsan tahay inay la tacaasho xakameynta daroogada,"" ayay sii raacisay qoraalkeeda. Warbaahinta Hindiya qudheeda waxay sheegaan in hay'adda NCB ay howl fiican fulisay, dad waaweyn oo daroogada ka ganacsadana lasoo qabtay." https://www.bbc.com/somali/war-58900682 +entertainment Maalintii uu Shah Rukh Khan 'dabaqa iska tuuri rabay' ee ay gabadhiisa qabatay "Xiddiga shirkadda filimada dalka Hindia ee Bollywood-ka, Shah Rukh Khan ayaa ka sheegeeyay maalintii uu farxad awgeed dabaqa gurigiisa iska tuuri rabay, laakiin ay kasoo gaartay mid ka mid ah gabdhihiisa. Wuxuu sheegay in xilligaas ay ahayd sanadkii 2012-kii, markii ay kooxdiisa kubadda cagta ee Kolkata Knight Riders (KKR) ku guuleysteen horyaalka heerka koowaad ee Hindiya. Shah Rukh Khan ayaa ka mid ah milkiilayaasha saamiga ugu weyn ku leh kooxdaas, oo sannadihii dambe sare u sii kaceysay. ""Waxaan saarnaa darbiga arandada gurigeyga, gacmaha ayaana kor u tuurtuurayay farxad darteed. Markii aan ku guuleysannay koobka waxay ii ahay riyo rumowday iyo fikraddii aan aaminsanaa oo sii adkaatay, sababtoo ah dad badan ayaa igula talin jiray inaan kooxda iska iibiyo, taasoo runtii aanan waligey sameyn doonin. Sidaasna uma dhihin madax adeyg dartiis ee waxaan u iri rajo fiican oo aan qabo darteed iyo kalsooni,"" ayuu yiri Shah Rukh Khan oo dib u xasuusanayay dareenkiisa maalintii ay guusha usoo hoyatay, kooxdiisuna ay hanteen koobka IPL. ""Run ahaantii, markii aan ciyaartii ugu horreysay ku guuleysannay, waxaan damacsanaa inaan dabaqa iska tuuro, laakiin waxaan u maleynayaa carruurteyda, gaar ahaan gabadheyda Suhana, ayaa iga soo gaartay oo i qabatay. Inaan duulo ayaan rabay habeenkaas laakiin guriga ayaan ku xasilay"". Jilaagan ayaa sheegay in horay uu aad ugu xiiseyn jiray ciyaaraha, uuna xitaa jeclaa inuu xirfad ka dhigto. ""Nolosheyda oo dhan waxaan ahaa nin reera ciyaaro ah, laga soo billaabo anigoo aad u da' yar, marka waligeyba kooxdeyda kama rajo dhigin, mana cadaadinin, marnaba sidaas ma sameynin,"" ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Shah Rukh Khan ayaa sheegadiisa ku saabsan dareenkiisii maalintaas, oo horay aan wax badan looga sii ogeyn, wuxuu kusoo bandhigay wareysi uu siiyay warbaahinta Star Sports. Kabtankii hore ee kooxda KKR Gautam Gambhir, ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa barnaamijka lagu wareysanayay Shah Rukh. Isagoo dib u milicsanaya xasuustiisa la xiriirta waayihiisii kooxda, ayuu Gambhir yiri: ""Markii aan kooxda kusoo biirayay Shah Rukh wuxuu ii sheegay inay howsha hormarinta tahay mid aniga ii taalla, isaguna uusan waligiis soo fara gishan doonin"". Waxa uu sheegay inuu ballan qaad u sameeyay. ""Anigana waxaan ka qaaday ballan, waxaana ku iri maalinta aan kooxdan ka tagayo, ha ahaato 3 sano ka diib ama 6 sano, waxaad arki doontaa inay taagan tahay heer aad uga sarreeya midka ay hadda joogto. Ballantaas ayaan ka qaaday""," https://www.bbc.com/somali/war-52384294 +entertainment Filim laga sameynayo dagaalkii budadka iyo feerka ee Shiinaha iyo Hindiya "Jilaaga caanka ah ee aflaanta Bollywood-ka Ajay Devgn ayaa lagu wadaa inuu dhawaan soo saara filim cusub oo ka hadlaya dagaalkii dhawaan dhexmaray ciidammada dalalka Hindiya iyo Shiinaha ee ka dhacay dooxada Galwan ee xadka labada dal. Dagaalkan ka dhashay muranka dhanka xadka ee ugu muddada dheeraa dunida kaas oo socday ku dhawaad nus qarni ayaa horseeday in la dilo 20 ka mid ah ciidammada Hindiya. Ma cadda khsaaraha Shiinaha ka soo gaaray dagaalkaasi. Labadan dal ee haysta Nukliyerka waxaa ka dhexeeyay taarikh dheer oo ah khilaaf dhanka xadka ah kaas oo in muddo ah soo jiitamayay. Isku dhacyadaasi la iskuma adeegsan wax rasaas ah. Dagaalka ""dhagaxaanta iyo dharbaaxada"" ee Hindiya iyo Shiinaha Isbarbardhigga awoodda milatari ee Hindiya iyo Shiinaha Cinwaanka filimka cusub ee Ajay Devgn iyo jilayaasha ka qeyb qaadan doono wali lama go'aaminin "" Filimka wuxuu ku saleysan yahay sheeko dhab ah oo ku saabsan dagaal hal habeen iyo maalin socday. Waxaan u baahanahay inaan filimka ku tabino geesinada ciidammadeena"" ayuu yiri Ajay Devgn. Isagoo ka hadlayay dagaalkii dhexmaray ciidammada dalkiisa iyo kuwa Shiinaha 15 June, ayaa Ajay Devgn waxa uu bartiisa Twitter-ka ku so qoray ""Waxaan salaam sharafeed u dirayaa askeri kasta oo geriyooday isagoo difaacaya xadka dalkiisa Hindiya"" Lama sheegin wali taariikhada la shaacin doono filimkan cusub." https://www.bbc.com/somali/war-53269832 +entertainment Maxay tahay sababta uu Hrithik Roshan u soomo 23 saacadood "Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood-ka, Hrithik Roshan ayaa bogaggiisa baraha bulshada ku sheegay inuu si joogto ah u soomo 23 saacadood oo xiriir ah, xilligan oo lagu guda jiro xayiradda uu sababay cudurka coronavirus. Roshan ayaa sababta uu arrintaas adag u sameynayo ku sheegay si uu u ilaaliyo caafimaadkiisa iyo fayo qabka jirkiisa, maadaama uusan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo la oggol yahay in bannaanka loogu baxo. Maanta oo Jimce ah ayuu atoorahan bartiisa Instagram-ka iyo bogga uu ku leeyahay Facebook soo dhigay sawirro iyo qoraal isla socda oo uu ku faahfaahinayo sida uu xaaladdiisa u maareeyo. ""23 saacadood oo soon ah. #Caafimaad ku noolaasho #adkeysi #edabtu waxay lamid tahay xornimo,"" ayuu kusoo qoray sawirkiisa. Sawirka waxaa lagu arkayaa Hrithik oo kaamirada u iljabinaya. Wuxuu u muuqdaa in timaha madixiisa iyo garkiisa ay kusii badanayaan, maadaama aan lasoo bixi karin inta lagu jiro xayiraadda. Hrithik oo kaliya ma aha balse jilayaasha kale ee Hindiya, sida Akshay Kumar, Aamir Khan, Saif Ali Khan iyo xitaa filim sameeyaha lagu magacaabo Karan Johar ayaa sawirradooda soo dhigay baraha bulshada iyagoo laga dareemayo inuu si weyn u saameeyay amarka xayiradda. Taageerayaasha Hrithik ayaa mar kale aad ula dhacay sida uu muuqaalkiisa wali u wanaagsan yahay. Hrithik wuxuu xayiraadda kula jiraa labadiisa wiil ee kala ah Hrehaan iyo Hridaan iyo sidoo kale xaaskiisii hore Sussanne Khan. Wuxuu dhawaan ka qeyb qaatay gurmadka dhaqaalaha loogu aruurinayo howlaha caafimaadka iyo badqabka ee ay wadaan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore uga jira la dagaallanka cudurka Covid-19, gaar ahaan ciidamada booliska ee magaalada Mumbai. Filim soo saaraha reer Hindiya Rakesh Roshan ayaa si faah-faahsan uga sheekeeyay dhacdo ku saabsan maalintii uu wiilkiisa Hrithik qol isku soo xiray, isagoo oynaya, ka dib markii uu soo baxay filimkiisii ugu horreeyay ee Kaho Naa... Pyaar Hai. Roshan ayaa sheegay in Hrithik uu culeys badan dareemay markii uu habeen dhan ahaa qof ay dadka oo dhan jecleysanayaan, sida ay tabiyeen wargeyska Hindustan Times iyo qaar badan oo ka mid ah warbaahinta kale ee Hindiya. Sanadkii 2000 ayuu Hrithik markii ugu horreysay kasoo muuqday filimka uu aabihiis sameeyay, oo sidoo kale ay atariisho ka ahayd Amisha Patel. Wareysi uu Mr Roshan siiyay warbaahinta The Quint ayuu dib ugu soo xasuustay dhacdadaas, isagoo sheegay in wiilkisa uu guriga yimid isagoo ka fikiraya sida ay noqotay natiijada tijaabadii ku saabsaneyd inuu ku habboon yahay jilista filimada iyo inkale. Wuxuu Roshan yiri: ""Waan xasuustaa dhacdadan, waxay ahayd saddex ama afar bilood ka dib markii uu soo baxay filimka. Hrithik qolkiisa ayuu ku dhex oynayay. Wuxuu dhahayay, 'aniga arrintan ma xamili karo. Ma shaqeyn karo, ma aadi karo studio-ga. Waxaa jira basas gabdho iyo wiilal ka buuxaan oo doonaya inay ila kulmaan. Ma heli doono fursad aan wax ku barto, ama wax ku jilo, ama aan diiradda ku saaro shaqadeyda. Qof walba wuxuu doonayaa inuu ila kulmo.' markaas ka dib ayaan aniga ku dhahay, 'kasoo qaad in xaaladdan aysan waligeed ku qabsanin, maxaa dhici lahaa markaas? Waa inaad u qaabishaa sidii barako laguugu talagalay, isku day inaad la qabsatid, shaqadaadana wado, ha u qaadanin dhibaato,' wuuna i fahmay"". Markii uu soo baxay Filimkaas, Rakesh, oo ah Hrithik aabihiis, wuxuu ku guuleystay abaalmarintiisii ugu horreysay abid ee uu ku helay soo saarista filimada iyo hagistooda, halka Hrithik uu ku guuleystay abaalmarintii ugu horreysay ee atoorasha ugu wanaagsan sanadka iyo atoorihii ugu fiicnaa ee isagoo billow ah shaqadiisa sidaas u wacnaatay. Hirithik wuxuu sii watay xirfaddiisa jilista, oo uu guulo badan kasoo hoyiyay 20-kii sano ee ugu dambeysay." https://www.bbc.com/somali/war-52683231 +entertainment Dilip Kumar iyo Bollywood: Muxuu jilaagan isaga bedelay magaciisii Yusuf Khan? "Jilaagan caanka ah, Dilip Kumar, wuxuu ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Mombai, wuxuuna ahaa 98 sano jir. Buug uu qoray ayuu uga sheekeeyay sida uu isaga bedelay magaciisii Yusuf Khan iyo waxa ku qasbay in uu u baxsado Dilip Kumar. Dunida waxay ku xusuusataa magaca Dilip Kumar, waxaana aad loo ammaanay qaabka jilliinkiisa iyo waxyaabo badan oo filimada uu ku soo kordhiyay. Weligiina kuma uusan fikirin in mar ay dunida si wayn u xusi doonto magaciisa. Dilip Kumar aabihii wuxuu ka mid ahaa ganacsatadii qudaarta ee ugu waaweynaa Mumbai. wuxuuna isagoo yar ka mid noqday ganacsiga reerkiisa. Xilligaas waxaa lagu magacaabay Yusuf Sarwar Khan, wiilka ganacsadaha Maxamed Sarwar Khan. Ka dib, wuxuu go'aansaday in uu u guuro magaalada Pune, si uu u noqdo qof isku filan. Maadaama uu garanayay luqadda Ingiriiska, wuxuu shaqo kaaliye ah ka helay goob ganacsi oo ciidankii Britain ay ku lahaayeen Pune. Ka dib wuxuu furtay meel lagu iibiyo rooti la dhexgeliyay hilib ama khudaar, wuxuuna noqday qof caan ka dhex ah ciidamadii Britain. Balse waxaa markii dambe loo xiray in uu taageeray dagaalladii looga soo hor jeeday British-ka ee xornimo doonka. Dilip Kumar wuxuu arrimahaan oo dhan kaga hadlay buuggiisa uu kaga sheekeeyay taariikhdiisa noloshiisa. Jilaagan oo la dhihi jiray Yusuf Khan, wuxuu dib ugu noqday magaalada Bombay (haddana ah Mumbai) wuxuuna dib u billaabay in uu aabihii caawiyo. Wuxuu sidoo kale billaabay ganacsiga barkimaha oo uu ku qasaaray. Yusuf Khan wuxuu markii dambe u wareegay Dadar, oo uu ka helay shaqada soo dejinta alaabaha alwaaxda ah ee ciidankii Britain. Wuxuuna ka helay lacag fiican. Wuxuu la kulmay oo ay is barteen Dr Masani, oo ahaa dhakhtar cilmu-nafsiga bartay oo aad loo garanayay. Wuxuu Yusuf Khan u sheegay in uu halkaas shaqo fiican ka heli karo. Markii hore wuu yara diiday, balse waxaa soo jiitay in xilligaas meeshaa laga furay istuudiyowga aflaanta, sidaa ayuuna ku aqbalay. Dilip Kumar wuxuu booggiisa ku sheegay in uu joojiyay la hadalkii Dr Masani iyo gabadhii uu sii baray ee Davika Rani, oo ahayd milkiilihii 'Bombay Talkies', ka dib markii uu ogaaday in uusan diyaar u ahayn magac cusub. Magaciisa wuu fiicnaa, balse muhiim miyey ahayd in uu iska bedelo? Devika Rani ayaa u dhoollacadeysay, waxayna Dilip Kumar ku tiri, ""Fikir dheer ka dib, waxaan go'aansaday in magacaaga aflaanta uu meeshiisa ahaanayo."" Dilip Kumar wuxuu buuggiisa ku sheegay in Devika Rani ay u sheegtay in ay aragto guushiisa mustaqbalka ee dhanka aflaanta, ayna wanaagsan tahay in uu yeesho magac uu caan kaga yahay aflaanta dhexdooda. Sidoo kale, waxaa loo sheegay in magaciisa uu yahay mid Muslim. Xilligaas waxay ahayd ka hor intii Hindiya aysan qaadanin xuriyadda, mana aysan jirin khilaaf iyo dareen ka colaadeed oo ka dhexeeyay dadka Hindu-ga iyo Muslimiinta. Balse, dhowr sano ka dib, waxaa la kala jaray Hindiya iyo Pakistan oo hal dal isku ahaa. Waxaana loo kala qeybiyay Hindu iyo Muslimiin. Devika Rani waxay fahamsanayd suuqa aflaanta, waxayna ogayd in loo baahan yahay magac ay aqbali karaan labada bulsho. Balse xaaladda sidaa way ka duwanayd. Keliya, jilaayadii Muslimiinta ahaa ayaa laga doonayay in ay magaca iska bedelaan, oo ay la yimaadaan mid u gaar ah aflaanta. Ka hor Dilip Kumar, Waxay Devika Rani iyo seygeeda Himanshu Rai magaca ka bedeleen Kumudlal Ganguly oo ay ka dhigeen Ashok Kumar, xilligii jilliinka ee filimkii 'Achhut Kanya' ee 1936. Ashok Kumar wuxuu ahaa jilaagii ugu horreeyay ee isticmaalay magaca Kumar ee aflaanta Hindiga qeyb ka noqday. Wuxuuna kaga sii horreeyay Dilip Kumar. Haddaba, inkastoo Dilip Kumar uusan ogolaanin in magaca laga bedelo, haddana wuxuu wakhti la qaadan jiray Ashok Kumar, wuxuuna ugu yeeri jiray Ashok Bhaiya. Xoogaa ka dib, Yusuf Khan, wuxuu ogolaaday in magaca uu iska bedelo, wuxuuna muddo niyadda ku hayay Dilip Kumar in uu baxsado. Jilaagii kale ee caanka ahaa, Shashidhar Mukherjee, ayuu la tashaday, wuxuuna u sheegay in hadalkia Devika uu saxan yahay, loona baahan yahay magac kale. Ka dib taladaas, Yusuf Khan wuxuu ogolaaday magaca ah Dilip Kumar in loogu yeero marka uu aflaanta jilayo, balse sida caadiga ah loo garan doono Yusuf. Xilligaas ayuu billaabay jilliinka filimkiisii ugu horreeyay ee 'Jwar Bhata' oo soo saare uu ka ahaa Amiya Chakraborty. Labadoodaba ma aysan ogayn in sidaas aadka ah ay isu sii baran doonaan, mustaqbalkoodana wax wayn iska bedeli doono. Shirkaddii Bombay Talkies waxay noqotay middii ugu sareysay ee aflaan soo saarta, xilligaas. Devika Rani waxay ahayd atariisho caan ahayn, waxayna aad ugu ololeyneysay arrimaha haweenka. Dilip Kumar wuxuu buuggiisa ku qoray in markii Dr Masani uu is baray isaga iyo Devika Rani, in uu ogaaday in ay ahayd haweeneyd aad u sharaf badnayd. Ka dib Dr Masani ayaa haweeneydaas weydiistay in ay shaqo siiso Dilip Kumar. Waxay ka sheekeysteen sida qoyskiisa ay khudaarta uga keenaan Peshawar ee Mombai ugu iibinayeen. Markaa ka dib ayey weydiisay in uu doonayo inuu noqdo atoore? Ka hor inta uusan jawaabin, waxay u ballan qaaday in ay shaqo siineyso. Ka dibna Dr Masani ayaa Dilip u sheegay in shaqada uu ogolaado. Balse Dilip Kumar oo u mahadceliyay Devika Rani, wuxuu sheegay in uusan khibrad lahayn, uusanna garaneynin jilliinka aflaanta. Devika Rani oo ku cadaadineysay Dilip in uu atoore noqdo, waxay u sheegtay in uu shaqada baran doono, si la mid ah qaabka uu u bartay suuqa khudaarta. Waxay ku tiri: ""Waxaan u baahanahay jilaa aqoon leh oo qurux badan. Adigana waan kaa dhex arkaa in aad noqon karto jilaa fiican.""" https://www.bbc.com/somali/war-57766257 +entertainment 'Xaaskeyga Aishwarya iyo hooyadey jabkeyga ayey u midoobeen' "Filimada musaslsalka ah waxaad ku aragtaa ficillo badan oo aad ku aamineysid inay cadaawad weyn u dhaxeyso haweenka la qabo iyo soddohyaashood, laakiin Jaya Bachchan iyo Aishwarya Rai Bachchan waxay caddeeyeen in markii nolosha dhabta ah la imaado ay xaaladdoodu tahay mid sidaas aad uga duwan. Aishwarya iyo seygeeda hooyadiis waa labo qof oo aad isugu dhow waligoodna uu ka dhaxeeyay jacayl baaxad weyn leh. Xitaa Abhishek Bachchan wuxuu mar sheegay in xaaskiisa iyo hooyadiis ay u midoobaan jabkiisa, gaar ahaan marka ay isku dhacsan yihiin isaga iyo xaaskiisa. Markii dhanka kale la eego, Jaya waa xaaska atooaha caanka ah ee reer Hindiya, Amitah Bachchan, kaasoo ay Soomaalida u taqaanno (Cali Dheere). Hadda oo ay Jaya u dabaaldagtay sanadguuradii 72-aad ee kasoo wareegtay dhalashadeeda, waxaan halkan kusoo gudbineynaa shan jeer oo ay caddeysay in soddohyada ay yihiin hooyooyin dahabi ah. Si la mid ah sida ku dhacda lamaane kasta oo nolosha isla wadaaga, Abhishek iyo Aishwarya mar kasta isku ra'yi ma aha. Waxaa jira marar ay is khilaafaan ama ay waxyaabaha qaar ku kala aragti duwanaadaan, sidaas darteedna ay isugu dhacaan. Wareysi uu warbaahinta DNA siiyay sanadkii 2015-kii ayaa Abhishek lagu weydiiyay cidda ay hooyadiis Jaya la safato marka ay is dagaalaan isaga iyo Aishwarya, wuxuuna sheegay in labadoodu ay u midoobaan sidii ay isaga u jabin lahaayeen. ""Hooyo iyo Ash way isku key baheystaan, waxayna igu xantaan luuqadda Bengali-ga. (wuu qoslay) Hooyo way taqaannaa luqaddaas waayo waa Bengali, Ash iyada lafteedu waxay luqaddaas baratay markii ay la shaqeyneysay Rituda, oo ay jilayeen filimkii Chokher Bali,"" ayuu yiri. Waa waxyaabaha yar yar ee muhiimadda ugu weyn u leh nolosha. Jaya waxay Aishwarya u hibeysay dahabkeeda - nooca loha loo yaqaanno. Wareysi ay siisay wargeyska Times of India sanadkii 2013-kii, ayey Aishwarya shaaca uga qaadday in dahabkaas ay mar kasta ku heysato laabteeda, oo ah meesha ugu dhow qalbigeeda. Waxay tiri, ""Aad baan u jeclahay dahabka. Laakiin dahabkeyga waxaa ugu muhiimsan kuwa ay i siisay soddohdey iyo faraantigeyga arooska."" Jaya waxaa markii ugu horreysay lagu arkay iyadoo xiran saari basali ah oo aad u qurux badan mar ay ka qeyb galeysay munaasabad abaalmarin ah oo dhacday sanadkii 2010-kii, saarigaasna waxaa sanadkii xigay lagu arkay Aishwarya oo xiran. Sanadkii 2014-kii mar kale ayey Jaya soo xiratay isla saarigii iyadoo ka qeyb galeysay munaasabad. Taageerayaasha qoyskan ayaa arrintaas u arkay jacayl aad u weyn oo ka dhaxeeya labada dumarka ah, waxayna u jeediyeen ammaan badan. Jaya waxay si joogto ah wiilkeeda Abhishek ugu mahadcelisaa inuu jacaylkiisa ka dhigtay Aishwarya. Mar ay arrintan ka hadleysay sanadkii 2007-dii waxay ku dheeraatay ammaanta gabadha ay soddohda u noqotay, iyadoo sheegtay inay ahayd qofka kaliya ee ka dhimanaa qoyskeeda. ""Aad bay u fiican tahay, Anigu aad baan u jeclahay iyada. Waa cajiib sababtoo ah waa gabar xiddig weyn ah wayna u qalantaa qoyskeenna!"" ayey tiri Jaya. Jaya waxay muujisay inay difaaceyso gabadha ay soddohda u tahay, taasina waxay dhacday xilli ay ka qeyb galayeen xaflad dhacday sanadkii 2013-kii. Waxay ka carootay in wariyeyaasha sawir qaadeyaasha ah ay Aishwarya ugu yeerayeen magaceeda koowaad, si ay ugu soo jeedsato, wayna canaanatay. ""Maxaad ka waddaan Aishwarya? Ma gabar saaxiibaddiin ah oo aad iskuul isla dhigataan baa?"" ayey ku tiri." https://www.bbc.com/somali/war-52232331 +entertainment Kuldhara: Jacaylkii kallifay in tuulo dhan laga guuro Magaalada Jaisalmer ee gobolka Rajasthan ee dalka Hindiya waxa ay ku taallaa dhul saxaro ah oo ku fidsan boqollaal mayl oo ka baxsan magaalada. Dhowr kiiloo mitir meel u jirta magaaladan waxaa ku taalla tuulo aad u qurux badan oo lagu magacaabo 'Kuldhara', taasoo aan la dagganayn muddo 200 oo sano ah. Dadkii ku noolaa tuuladan waxay halkaas ka guureen 200 oo sano ka hor, waxayna aadeen meel kale, dib dambena uguma aysan laabanin halkaas. Tuulada Kuldhara hadda waxaa il gaar ah ku haya Waaxda Arrimaha Taariikhda Dhulka ee dalka Hindiya. Sida laga soo xigtay dad ku xeel dheer xogta maxalliga ah ee deegaankaas, labo boqol oo sano ka hor markii ay magaalada Jaisalmer aayd gobol qani ah, tuulada Kuldhara ayaa ahaan jirtay meesha ugu farxadda badan gobolkaas. Inta badan dakhliga dowladda tuuladaas ayuu kasoo xaroon jiray. Waxaa halkaas ka dhici jiray munaasabado isugu jira fantasyo iyo bandhig faneedyo la isugu keeni jiray dadka xiiseeya ciyaaraha iyo dhaqanka. Laakiin mar qura ayay noloshii tuuladan waji kale yeelatay, waxaana ku dhacay isbaddal taariikhi ah. Waxay ka bilaabatay gabar arooskeeda la qorsheynayay, oo la sheegay in ay ahayd gabar aad u qurux badnayd. Ninkii gobolka xukumayay, oo ahaa wasiir wakiil ka ah boqortooyada, oo la oran jiray Salim Singh, ayay indhihiisu qabteen gabadhii quruxda badnayd. Wuu jeclaaday waxa uuna ku adkaystay in uu guursado. Sida lagu xusay sheekooyinka maxalliga ah, Salim Singh waxa uu ahaa nin xukun adag oo caan ku ahaa in waxa uu rabo aan laga hor istaagi karin. Laakiin sidaasoo ay tahay, dadka tuulada Kuldhara way diideen in ay Salim Singh siiyaan gabadha uu ka jeclaaday. Salim Singh waxa uu dadkii xaafadda siiyay dhowr maalmood oo ay ku soo fakaraan. Way ogaayeen in haddii ay oggolaan waayaan waxa uu rabo uu tuulada oo dhan xasuuq ka gaysan doono. Sida uu dhaqanku ahaa, dadka reer Kuldhara waxay yeesheen shir wadatashi ah oo ka dhacay macbad ku yaallay xaafadda. Waxay go'aan ku gaareen in ay tuulada oo dhan ka guuraan, gabadhhana qariyaan. Go'aankaas waxaa qayb ka ahaa in aysan waligood dib ugu laabanin tuuladaas si ay gabadhooda iyo xaafaddoodaba u badbaadiyaan. Dhammaan dadkii xaafadda ayaa habeen madow ka guuray halkaas, waxayna horay usii qaateen alaabtoodii, lo'doodii, raashingoodii dalagga iyo dharkoodii. Marka ay baxayeen waxay ku baxeen si qarsoodi ah oo shanqar la'aan ah. Ilaa hadda sidaas ayay cidlo u tahay tuuladan, qof kalena ma dagin. Qasrigii Salim Singh wali waxa uu ka dhisan yahay Jaisalmer, balse ma jirto cid dalxiis ahaan usoo daawata. Guryihii dhagaxa ka samaysnaa ee ku yaallay xaafaddan waxay hadda u burbureen si tartiib tartiib ah. Hase ahaatee burburka xitaa waxaa wali kasii muuqda sida ay xaafaddaas qaniga u ahayd markii la dagganaa. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in haraadiga guryaha tuulada Kuldhara wali laga maqlo shanqarta socodka dadkii xilliga habeennimada ah ka baxayay meeshaas. Dowladda gobolka Rajasthan ayaa si ay dalxiiseyaal ugu soo jiiddo tuuladan waxa ay dib u dayac tirtay guriyihii qadiimiga ahaa. Dhismeyaashii macbadyada ayaa wali halkaas ka taagan. Sanad kasta kumannaan dalxiiseyaal ah ayaa goobtaas u tagay si ay usoo booqdaan tuulada. Dadka deegaanka xitaa xushmad aad u wayn ayay u hayaan tuuladan taariikhda gashay. Arrin kale oo caan ah oo la aaminsan yahay waa in dadkii xaafaddan dagganaan jiray ay markii ay baxayeen ku habaareen in aan walideed oo dambe la dagin. Labo boqol oo sano kaddib guuritaankaas, tuuladan wali waxay ka mid tahay saxaraha lama dagaanka ah ee ku dhow magaalada Jaisalmer. https://www.bbc.com/somali/war-61761624 +entertainment Afar sabab oo uu xiise ku yeeshay filimkii la sugayay ee Shah Rukh Khan "Filimka ""Paathan"" ee uu soo jilay xiddigga Bollywood-ka ee lagu magacaabo Shah Rukh Khan ayaa guul weyn ka gaaray suuqa iyadoo uu hadda ku jiro marxaladihiisa ugu horreeya. Taageerayaasha iyo dadka dhaliila Khan labaduba waxa ay u muuqdaan in ay aad u xiiseynayaan filimkan. Dadka ka faallooda arrimaha filimada ayaa sheegay in ""Paathan"" uu noqon doono filimkii ugu weynaa ee soo baxa sanadkan hadda billowga ah, taasoo muujineysa guusha weyn ee uu soo hoyiyay. Qaar ka mid ah dadka daawaday filimka waxay u jeediyeen dhaliil ku aaddan sida loo jilay filimka oo ay ku tilmaameen qaab xun oo aan loo baahneyn. Dhowr bilood ka hor inta uusan shaashadaha kasoo muuqan filimkan oo soo baxay Arbacadii waxaa hadal heyn ballaaran dhaliyay hees ku jirta oo ay dadka heysta diinta Hinduuga ku tilmaameen mid xad gudub ku ah diintooda. Arrinta muranka dhalisay waxay ahayd in atariishada filimka, Deepika Padukone ay xiratay dharka hoose oo midabkoodu yahay jaalle, iyadoo la og yahay in midabkaas uu qeyb ka yahay waxyaabaha ay sharfaan dadka Hinduuga ah. Waxaa socday baaqyo badan oo lagu jeedinayay in la mamnuuco filimkan, iyadoo dadkana laga codsanayay in aysan daawan marka lasoo saaro. Hase yeeshee caqabadahaasoo dhan waxba uma dhicin filimka ""Paathan"", waxa uuna noqday mid si weyn loo daawaday. Khabiirka caanka ah ee falanqeeya filimada, Komal Nahata ayaa sheegay maalintii ugu horreysay ee la daawaday filimkan uu soo xareeyay acag ku dhow 7 milyan oo doolar. Mar qura ayaa laga daaray 8,000 oo shaashadood guud ahaan dunida, sida uu sheegay falanqeeyaha kale ee lagu magacaabo Taran Adarsh. Waxaan halkan ku eegetnaa afar sabab oo horseeday in filimkan uu karkaarrada jabsado. Xiddigga Bollywood-ka, Shah Rukh Khan ayaan shaashadaha kasoo muuqan muddo 4 sano ah, ka dib markii ay ka fashilmeen dhowr filim oo uu dadaal badan ku bixiyay. Dad badan ayaa xiiseynayay in ay daawadaan Khan oo soo rogaal celiyay isla markaana adeegsanaya indho-sarcaadkiisii lagu yaqaannay. Sanadkii 2018 ayey ahayd markii ugu dambeysay ee uu Shahrukh Khan soo saraay filim uu atoore ka yahay, kaasoo ahaa filimka Zero. Horay waxa uu atoorahan ugu caan baxay filimada jacaylka oo uu ku hantay taageerayaal badan. Daawadeyaasha filimka Paathan ayaa u muuqday in ay aad ula dhaceen qisada ku jirta filimka iyo qaabka la isugu xirayo wixii dhacay iyo waxa markaas socda. Filimkan ayaa sidoo kale lagu soo daray muuqaallo madadaalo ah oo wata xiise gaar ah, iyadoo laga ilaaliyay dhacdooyinka lasii maleyn karo. Ninka qoray filimkan oo lagu magacaabo Sridhar Raghavan ayaa isagana lagu tilmaamaa mida ad u awood badan marka la eego dhinaca hal abuurka. Inkastoo Shah Rukh Khan lagu yaqaannay filimada jacaylka ah oo uu ku helay naaneysta “Boqorka Jacaylka” haddana filimkan waxa uu xoogga ku saaray dhinaca dagaalka, isagoo ku jilay jir aad u dhisan oo murqo waaweyn leh. Doorka laadarnimada filimkan waxaa qaatay John Abraham oo ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ee Bollywood-ka. Dadka qaar ayaa ku tilmaamay laadarka in uu ka xiiso badnaa atooraha filimka. Waxaa hubaal ah in filimka Paathan diiradda lagu saaray xoojinta ficillada dagaalka ah oo dad badana y aad u jecel yihiin. Muuqaallada dagaalka ee filimka ayaa lagu sameeyay qaabab kala duwan, sida kuwo ka dhacay dhulka, cirka iyo dhulka barafka ah. Waxaa loo adeegsaday gawaari, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo mootooyin. Dhacdooyinka dagaalka ee filimkan wxaa lagu jilay dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Spain, Imaaraadka Carabta, Turkiga, Ruushka, Talyaaniga, Faransiiska, Afghanistan iyo Siberia." https://www.bbc.com/somali/articles/c97gznd3dj7o +health Haweeney da' oo sameysay arrin cajiib ah si ay u badbaadiso seygeeda "Haweeney u dhalatay dalka Hindiya, laguna magacaabo Lata Kare ayaa ka qeyb qaadatay tartan aysan u arkin in uu yahay ciyaar lacag lagu heli karo, waxna ka badeli kara nolosheeda. Kare oo katirsan qoys sabool ah waxaa ka xanuunsaday seygeeda, mana aysan awoodin in ay iska bixiyaan kharashka ku baxaya baaritanaada caafimaadka ee MRI ee seygeeda, si loo ogaado xanuunka haya. Haweeneydan ayaa markii ay xaaladda ku xumaatay waxaa ay ka qeybgashay tartn orod, si ay ugu guuleysato abaalmarin, ka dibna ay u hesho lacag ay ku daweyso seygeeda oo xanuunsan aannan kici karin. Dadka ku nool tuuladii ay deganeyd ayaa u sheegay in uu jiro tartan orod ah oo qofkii ka qeybgala kuna guuleysta uu heli doono lacag. ""Lacagta aan u baahnaa si aan seygeeda u daweeyo waxay ahayd 70 doolar, waxayna dadka igu dhiirageliyeen in aan ka qeybqaato tartanka orodka"", ayay tiri Kare oo la hadashay BBC-da. Waxa ay sheegtay in lacagta tartanka haddii ay ku guuleysato ay ku daweyn karto seygeeda, waxayna go'aansatay in ay ka qeybgasho tartanka. Inta aysan ka qeybgelin tartanka waxay sameysay tijaabooyin badan oo orod ah, si ay ugu diyaar garowdo, waxayna sheegtay in dadka ay kala kulantay diiragelin ah in ay ku guuleysan karto. ""Ma ogeyn in tartanka orodka uu yahay isboorti, waxaa la ii oggolaaday in aan ka qeyb qaato, kabihii aan xirnaa ayaa iga baxay, waan siibay, ka dibna orodkeyga ayaa sii watay, waxaana iga go'neyd in aan orodka sii wato"", ayay sii raacisay. Dadkii kale ee daawanayay tartanka ayaa sacbiyay Kare intii ay ku guda jirtay orodka, kuwaas oo aad ula dhacsanaa sida ay tartanka orodka ugu dhiiratay iyadoo da' ah, waxayna sheegtay in markii ay dhawayd xariiqinta kama dambeysta ay maqashay sawaxan iyo dadkii oo aad ugu faraxsan heerka aan gaaray. Haweneydan ayaa markii dambe ku guuleysatay tartanka, waxaana orodkaas noqday tartankii badelay noolasheeda. Wixii intaa ka dambeeyay, Kare waxay ka qeybgashay tartanno badan oo orod ah, waxay ku guuleysatay abaalmarino kala duwan, waxaana ay caan ka noqotay gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya. Noolasha Kare iyo qoyskeeda ayaa taabatay quluubta dad badan, waxaana taas ay keentay in shirkadaha sameeya aflaanta ay ka sameeyaan filim ku saabsan noolasheeda. ""Marki koowaad waxaan sheekadeeda ka arkay wargeysyada, waxaana aad isoo jiitay qof sidaas da' u ah oo ku dhiiratay in ay ka qeybqaadato tartanka iyo waxa ay u ameneyso seygeeda, waana taas tan igu dhalisay in aan filim ka sameeyo dedaalkeeda"", ayuu yiri Naveen Kumar oo ah filim soo saaraha. Kare waxaa kale oo ay sheegtay in sababta ugu weyn ee ay tartanka u gashay ay ahayd sidii ay u heli lahayd lacag ay ku daweyso seygeeda, waxayna intaa raacisay in marnaba aysan ku fikirin in ay kasoo muuqan doonta filim. Ninkeeda oo lagu magacaabo Bhagwab Kare ayaa BBC-da u sheegay in noolashiisa ay sabab u tahay xaaskiisa. ""Iyada iskama aanay fikirin ee waxay ka fikirtay xanuunkeyga iyo sidii an uga kici lahaa, waxaan aad uga xumahay in iyadoo da'daas jirta ay sidaas sameysay, aad baan ugu faanaya"", ayuu yiri seygeeda. Arrinta la yaabka leh waxay tahay in haweeneydan da' ah ay ka guuleysatay gabdha badan oo dhalinyaro ah, waxaana sheekadeeda ay soo jiidatay malaayin qof oo ku nool dalka Hindiya iyo guud ahaan caalamka." https://www.bbc.com/somali/war-51440420 +health 65 jirka kow iyo toban-ka jeer qaatay tallaalka Covid-19 ee mahadinaya "Nin ku nool Hindiya ayaa lagu qaatay tallaalka Covid-19 ugu yaraan siddeed jeer sannadkii dhawaan naga dhamaaday, sida uu xaqiijiyay sarkaal caafimaad. Brahmdeo Mandal, oo 65 jir ah, ayaa sheegay in uu gobolka Bihar ka qaatay 11 qiyaasood oo tallaalka Covid-19 ah. Boostaalaha shaqada ka fadhiistay ayaa sheegay in tallaallada ay ka caawiyeen in uu ka yaraado xanuunka sidoo kalana uu dareemay ""caafimaad"". Wuxuu ku sheegay inuusan wax saameyn xun ah kala kulmin. Mr Mondal ayaa markii ugu dambayntii laga joojiyay in uu qaato tallaalkii ​​12-aad todobaadkii hore. Baaritaan ayaa socda si loo ogaado sida Mr Mandal, oo qoyskiisa kula nool degmada Madhepura, ay ugu suurtagashay inuu helo tallaal badan. ""Waxaan horay u helnay cadeymo muujinaya inuu sideed tallaal ka soo qaatay afar meelood,"" Amarendra Pratap Shahi, oo ah dhaqtarka Madhepura, ayaa sidaasi u sheegay BBC-da. Tan iyo markii tallaalku bilaabmay 16-kii Jannaayo ee sannadkii hore, Hindiya waxay inta badan bixinaysay laba tallaal oo maxalli ah oo kala ah, Covishield iyo Covaxin. Tallaalku waxaa laga bixiyaa, in ka badan 90,000 oo xarumood, oo badankoodu ay dawladdu maamusho. Waxaa ka mid ah kooxo wareegaya oo dadka siiya tallaalka balse aan horay looga diiwaangelin dhanka online-ka. Ka faa'iidaystaha wuxuu u baahan yahay inuu keeno caddaynta aqoonsiga, aqoonsiga codbixiyaha ama shatiga wadista gawaarida. Xogta laga soo ururiyay goobaha waxaa la galiyay bogga talaalka India ee CoWin. Baaritaanno hore ayaa lagu ogaaday in Mr Mandal uu qaatay ""laba tallaal nus saac gudahii"" isla maalintaas oo mid kasta oo ka mid ah tallaaladaas ""ay ka diiwaan gashan yihiin bogga talaalka India ee CoWin"". ""Waan ku wareersanahay sida ay tani u dhici karto. Waxa ay u muuqataa in uu jirto khaladaad dhanka diwaan gelinta online-ka ah."" Khabiir ku takhasusay caafimaadka bulshada oo la yirahdo Chandrakant Lahariya ayaa BBC u sheegay in ""sida kaliya"" ee tani ku dhici karto ay tahay haddii xogta tallaalka ee laga helo goobaha la soo geliyo ee barta internetka muddo dheer kaddib. ""Laakiin waxaan weli la yaabanahay inaan la ogaanin iyadoo uu qaatay tallaal waqti dheer u kala dhexeeya kaas oo aan la oran karin diwaan gelinta ayaa dib u dhacday."" Mr Mandal, oo si faahfaahsan u xafiday qoraalo gacan ku qoran oo ku saabsan taariikhaha, waqtiyada iyo xerooyinka, ayaa ku andacoonaya inuu qaatay 11 tallaal intii u dhaxaysay Febraayo iyo Disembar ee sannadkii hore. Waxa uu BBC-da u sheegay in uu u safray xeryaha tallaalka ee ku yaalla Madhepura iyo xitaa ugu yaraan laba degmo oo deris ah oo mid kasta ay degmadiisa u jirto in ka badan 100km waxa uu intaasi u marayay si uu qaato tallaal dheeraad ah. Waxa uu adeegsaday kaarar aqoonsi oo kala duwan si uu isaga diiwaan geliyo goobahaas. ""Kadib markii aan tallaalka qaatay waxaa i daayay xanuunkii, gaar ahaan jilbo xanuun i hayay. Ul ayaan ku socon jiray, balse hadda ma qaato, waan fiicanahay."" Qandho, madax-xanuun, daal iyo xanuun ayaa ah waxyeelada ugu badan ee la soo sheego kadib qaadashada tallaalka Covid-19. Xasaasiyadda daran waa dhif oo inta badan ma dhacdo. ""Marka qaadashada tallaalo badan oo Covid-19 ah, waa inay noqdaan kuwo aan waxyeello lahayn, sababtoo ah unugyada difaaca jirka horay ayaa loo sameeyay tallaaladuna waxay ka kooban yihiin qaybo aan waxyeello lahayn,"" Dr Lahariya ayaa sidaasi yiri. Qiyaastii 65% dadka qaangaarka ah ee Hindiya ayaa si buuxda loo tallaalay iyadoo ku dhawaad ​​91% ay heleen ugu yaraan hal tallaal." https://www.bbc.com/somali/war-59900952 +health Daraasad; Qaraha wuxuu leeyahay awood lamid ah tan kaniiniga Viagra "Qaraha ama xabxabka waa mid u fiican jirkeena, faa'ido badan oo dhanka caafimaadka ah ayaa lag helaa balse cilmibaarayaal ku sugan dalka Mareykanka ayaa qaraha la barbardhigay kaniiniga Viagra ee kordhiya hammada. Xabxabka waxaa ku jira kiimiko loo yaqaanno citrulline, taasoo ay ku jirto waxyaabo la mid ah Viagra. Viagra waxa loo yaqaan ""kaniiniga buluuga ah"". Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka ee UK, Sildenafil waa daawo loo isticmaalo daawaynta dareen la'aanta ragga. Viagra, oo sidoo kale loo yaqaanno sildenafil, ayaa waxaa markii hore loogu talogalay wadnaha sababtoo ah shaqadeeda ugu muhiimsan waa hagaajinta qulqulka dhiigga iyadoo ballaarineysa xiidmaha dhiigga oo ay ka mid yihiin halbowlayaasha. Viagra wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga ee jirka isla xaddiga kiimikada dabiiciga ah ee citrulline ee laga helo qaraha si lamid ah wuxuu saameeyaa xididdada dhiigga ee jirka. Maadada Citrulline ee ku jirta qaraha waxay dejisaa xididdada dhiigga ee jirka si wareegga dhiigga ee jirka u fiicnaado. Waxaa cilmi-baaristan samaysay xarunta horumarinta khudradda Texas ee dalka Maraykanka. Dr. Bhimu Patel oo hoggaaminayay cilmi baaristan lagu sameeyay qaraha ayaa sheegay, ""Waxaan la soconnaa in qaraha uu u fiican yahay jirka, weli daraasad ayaa lagu sameynaya waxtarkiisa, waxyaabo badan oo wanaagsan ayaa kasoo ifbaxaya isticmaalka xabxabka"" Wuxuu intaa ku daray, ""Qaraha kaliya ah ma saameeyo jirka sida kaniiniga Viagra balse qaraha wuxuu dabciyaa xiddidada dhiigga, ma lahan wax dhibaato ah"" Waxa jiraa faa'idooyin kale oo laga helo qaraha: Aad bay muhiim u tahay in jirka bini'aadamka uu helo biyo ku filan oo dheellitiran. Sababtoo ah xitaa fuuq-bax yar wuxuu kuu horseedi karaa daal, madax-xanuun, murqo xanuun iyo cadaadis dhiigga oo sarreeya. Qaraha wuxuu ka kooban yahay 92% biyo, jirka wuxuu u baahan yahay biyo sidaas darteed waxaa fiican in la isticmaalo qaraha. Iibsiga Viagra: Maxaad u baahan tahay in aad ogaato? ''Waxaan qaataa 57 xanuun baab'iye maalinkii si aan u mirqaamo'' Dal Carbeed oo oggolaaday ""kaniinka kordhiya dareenka haweenka"" Qaraha waxaa ku yar maadada tamarta jirka kordhisa ee Calories, marka xitaa aad cunto xabxab badan ma jirto halis ah in miisaanka jirkaaga uu kordho. Midabka guduudan, casaanka ee qaraha waxaa ku jiraa nafaqooyin badan. Nafaqooyinkaas waxaa loo yaqaannaa carotenoids. Qaraha ayaa qani ku ah maadada beta-carotene oo laga helo Fiitaamiin A. Waxay qurxisaa maqaarka sidoo kale waxay xoojisaa caafimaadka indhaha. Qaraha waxaa sidoo kale ku jirtaa maadada Lycopene, jirka ayaa si deg deg ah u nuugaa maadadan. Waxaa jiraa daraasado ku saabsan lycopene-ka kuwaas muujinayaa in maadadan ay yareyso halista kansarka iyo cudurka macaanka." https://www.bbc.com/somali/61239864 +health Coronavirus: Hindiya oo muwaaddiniinteeda 12 dal ka soo daadgureyneyso In kabadan 60 duullimaad oo muwaaddiiniinta Hindiya ee ku xayirmay xayiraadda Coronavirus ee dalalka caalamka ay soo rogeen ayaa la sheegay in dalkooda dib looga soo celinayo. Ku dhawaad 15,000 oo muwaaddiniinta dalka Hindiya ah oo ku xayiran 12 dal ayaa la filayaa duullimaadyada gaarka ah oo ay shirkadda diyaaradaha 'Air India' ay sameyneyso dalkooda dib looga soo celiyo. Dadka rakaabkana kharashaadka diyaaradaha iyaga ayaa iska bixinaya marka ay dalkooda dib ugu soo laabtaanna waxaa la gelinayaa karantiil 14 maalmood ah. Maraakiibta ciidamada badda Hindiyana waxay ka qayb qaadanayaan dib u soo celinta muwaaddiiniinta dalkaasi. Dalka Hindiya ayaa bishii March xayiraad ku soo rogay duullimaadyada caalamiga iyada oo dalkaasina la saaray xayiraad guud oo looga talagalay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka coronavirus. Wixi xilligaa ka dambeeyeyna duullimaadyo kooban oo ay sameeyeen diyaaradaha dalkaasi oo muwaaddiniin dalkooda dib looga soo celinayey. Balse duullimaadyadan hadda lagu dhawaaqay oo looga magacdaray (Vande Bharath) ayaa noqonayaa howlgalkii ugu weynaa ee nidaamsan. Warbaahinta maxalliga ee dalka Hindiya waxay sheegeen ilaa iyo xilligaasi dalka Hindiya in dib looga soo celiyey muwaaddiniin ka badan 200,000. Haddii howlgalka soo daadgureynta muwaaddiniinta lagu guuleysto wuxuu noqon doonaa howlagalkii ugu weynaa ee la fuliyo tani iyo 1990-kii, xilligaasi oo muwaaddiniin ka badan 170,000 oo u dhashay dalka Hindiya laga soo daadgureeyey Kuweit xilligi uu socday dagaalki Khaliijka. Shirkadda diyaaradaha 'Air India' oo ay shirkad diyaaradeed oo qaranka Hindiya leeyahay waxay muwaaddiniinta dalkaasi ka soo daabuli doontaa waddama ay ka mid yihiin Mareykanka, Britain, Sacuudi Carabiya, Sigapore, Qadar iyo Malaysia. Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo keli ah waxaa dalka Hindiya ka soo gaaray 197,000 oo codsi oo ah in dalkooda loo soo qaado. Diyaaradaha ugu badanna waxay ka dagi doonaan gobolka koonfurta Hindiya ku yaalla ee Kerala, gobolkaasi oo ah halka ay dadka ugu badan dibadaha shaqooyinka uga aadaan. Dowladda Hindiya oo duullimaadyadaasi faahfaahin ka soo saartay waxay sheegtay diyaaraddiba iney qaadi doonto rakaab dhan 200-250. Gobollada dadkaasi laga dajin doona waxay diyaariyeen Isbitaalladi iyo goobaha ku meel gaarka ee dadkaasi 14 maalmood lagu karantiili lahaa. Mas'uuliyiin u warramay BBC waxay sheegeen dadka waayeelka, hooyooyinka uurka leh iyo dadka kale ee u baahan ahimiyad gaar ah in la siiyo safarka lagu horreysiin doono. Wasiirka arrimaha dibadda Hindiya S. Jaishanker wuxuu muwaaddiniinta dalkaasi ee doonaya in dalkooda dib looga soo celiyo uu ugu baqay iney la xiriiraan safaaradaha ku dhow. https://www.bbc.com/somali/war-52569333 +health Maxay xerada xaywaannada 114 sano ka dib raali gelin uga bixisay dhibkii wiilkan gaaray? "Ota Benga ayaa sannadkii 1904 laga afduubtay halka maanta loo yaqaano Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, waxaana la geeyay beer lagu xanaaneeyo xayawaanada oo ku taalla dalka Mareykanka si dadku ay ugu daawasho tegaan, weriye Pamela Newkirk, oo wax ka qortay xaaladda wilkan ayaa ka shekeyneysa tobbonaan sanno kaddib sida ay wax u dhaceen. In ka badan muddo qarni ah kaddib markii warbaahinta caalamka ay siyaabo kala duwan uga hadashay wiil yar oo Afrikaan ah oo la geeyay beer lagu hayo daanyeerka si dadku ay u daawasho tegaan, beerta xayawaanka Bronx Zoo oo ku taalla New York ayaa ugu dambeyntii raalli gelin ka bixisay wiilka lagu hayay halkaas. Raalli gelinta ay bixiyeen ururka ilaalinta duur joogta ayaa imaaneysa xilli dunida ay ka socdeen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dilka ninkii madowga ahaa ee loogu geystay Mareykanka. Agaasimaha ururka ilaalinta duur joogta (WCS) Cristian Samper, wuxuu sheegay in beertaas oo ay maamulaan ay ka go'antahay in si hufan ay u abaarto dhacdadaas oo si weyn ay u baahiyeen warbaahinta Yurub iyo Mareykanka 9-kii bishii September sanadkii 1906-dii, maalin uun kaddib markii Ota Benga lagu soo bandhigay beerta tan iyo markii lasii daayay 28-dii bishii September sanadkii 1906-dii. Horraantii sanadkii 1906-dii, warqad kasoo baxday beerta xayawaanka ayaa muujineysa in saraakiisha in Ota Benga uu ahaa shaqaalaha beerta xilli la dhaleecenayay dhacdadaas. Ninkii madowga ahaa ee 7-da xabadood lagu tiriyay oo katiinadii laga furay Dhacdo dhif ah: Wiil madaxweyne dhalay oo maxkamad lagu soo taagay Angola Wiil Soomaaliyeed oo derbi-jiif ahaa haddana milkiile shirkadeed ah Isha: Buugga la qoray nolosha Ota Benga Wargeyska New York Times wuxuu marar badan wax ka qoray xaaladda Ota Benga, markii ugu horreysay 9-kii bishii September 1906-dii, wuxuu cinwaan boggiisa hore ka dhigay ""Ninkii duurgalka ahaa oo beerta Bronx Park kula jira daanyeerka"" Agaasimaha ururka maamula xaruntan ayaa sheegay ""In si weyn ay uga shaleynayaan in dad iyo jiilal badanba ay waxyeelleysay arrintani ama inay horey ay ugu guuldareysteen in si cad ay u dalleeceeyaan dhacdada"" Wuxuu sidoo kale cambaareeyay in dadkii aasaasay beerta oo ay kamid yihiin Madison Grant iyo Henry Fairfield Osbor in kaalin weyn ay ka qaateen in Ota Benga la geeyo beerta xayawaanka si loo daawado." https://www.bbc.com/somali/war-53970409 +health Maxaa gabdhahan ku qasbaya in ay dhaldhalaalka dunida ka jeedsadaan? "Boqolaal ka tirsan qoowmiyadda Jain ee dalka Hindiya ayaa bilaabay in ay adduunyada ka tanaasulaan si ay u noqdaan waddaado diimeed macbadyada ku uruura iyaga oo kabo la', oo aan qubeysanin, kaliya cuna waxa la siiyo, islamarkaasna aanan adeegsanin tiknoolajiyadda casriga ah. ""Mardambe gabadhayda hab ma siin doono, mar dambane indhaheena isma qaban doonaan"" ayuu yiri Indravadan Singhi oo gabadhiisa ay ka mid tahay kuwa xushay dariiqan dhibta badan. Ka hor inta aysan guriga ka tagin waxaa isugu imanaya dhammaan qaraabada si ay xaflad ugu sagootiyaan. Magaceeda waa Dhruvi, waalidkeed hadda kadib aabbe iyo hooyo uguma yeeri doonto, ma fuuli doonto gaari, mana ku hadli doonto taleefoonka gacanta. Qoomiyadda Jain waa kuwa diin ahaan laga tiro badanyahay, waxa ay ka koobanyihiin illaa 4.5 milyan oo aaminsan diintan gaarka ah. Waa kuwa sida ay tahay u raaca waxyaabaha ay diintooda dhigto, waxaana ka mid ah waxa ay tahay in ay cunaan maalinkii iyo waxa aanan u banaanayn in ay cunaan, iyo waliba xilliga ay tahay in ay wax cunaan. Gabadhan ayaa ku jirtay nolol damaashaad leh oo casri ah, waxa ay xitaa ka qeyb qaadan jirtay bandhigyada heesaha ee da'yarta lagu tijaabiyo codkooda. Kaligeed ma ahan kuwa xulanaya in ay gebi ahaanba adduunyada dhalaalkeeda ka tanaasulaan, waxaa jira boqolaal kale, tiradooduna waa ay sii kordheysaa. Waxa ay dadka xeeldheeraasha ah sheegayaan in da'yarta oo u dulqaadan la' culeesyada adduunka ay ugu wacantahay in ay u leexanayaan dhanka dhaqamadii hore iyo diimaha. Dr Joshi ayaa yiri ""Waxa ka dhacaya New York ama Yurub waxa aan arkaynaa isla markiiba, markii hore nolosha aan tartanka kula jirno waxa ay ahayd tan nagu xeeran balse hadda adduunka dhan ayaan tartan kula jirtaa"", waxa uu sheegay in taas ugu wacantahay in da'yarta ay la tiiraanyoodaan waxyaabaha aysan haysanin ee ay arkayaan. Gabadha lagu magacaabo Pooja Binakhiya oo ka mid ah kuwa baadariyiinta noqday ayaa sheegtay in hadda aysan ka fikirin sida ay u arki karaan saaxiibadeed. ""Waxaan kaliya ka fikirnaa ruuxdeena"" ayay tiri. Inkasta oo wadaada diintan aysan isticmaalin aaladaha casriga ah, haddana fidinteeda waxaa loo isticmaalayaa baraha bulshada, waxaa laga samaynayaa muuqaalo kooban, iyada oo xitaa diintan lagu turjumay luuqado badan oo uu English-ka ka mid yahay. Muni Jinvatsalya Vijay Maharajsaheb oo ka mid ah wadaada diintan ayaa BBC-da u sheegay in uu isticmaalo shabakada YouTube si uu muxaadarooyinkiisa ugu faafiyo, kuwa qaarna waxaaba daawatay illaa hal milyan oo qof." https://www.bbc.com/somali/war-48905816 +health Dood ka dhalatay unugyada bani'aadamka oo daanyeer lagu beeray "Minka daanyeer oo lagu beeray unugyada bani'aamka ayaa lagu sameeyay sheybaar, sida ay xaqiijisay daraasad la sameeyay. Baaritaanka, oo ay sameeyeen koox Mareykanka iyo Shiinaha ka socota, ayaa dhalisay dood dhanka anshaxa ah. Saynisyahannada ayaa unugyada bani'aadamka - oo awood u leh inay noqdaan dhowr xiidmaha jirka ah oo kala duwan - ku beeray minka. Koritaanka unugyadaas ee gudaha minka ayaa la daraaseynayay muddo 20 maalmood ah. Hore waxaa unugyada bani'aadamka loogu beeray minka idaha iyo doofaarka. Saynisyahannada waxaa horkacayay Prof Juan Carlos Izpisua Belmonte oo ka tirsan Machadka Salk oo ku yaalla Mareykanka. Daraasaddooda ayaa waddada u xaari karta wax ka qabashada gabaabsiga xubnaha dadka lagu beero iyadoo sidoo kalena ka qeyb qaadan karta in wax badan laga fahmo koboca hore ee bani'aadamka, qaadidda cudurka iyo gabowga, ayuu yiri. Wuxuu sheegay in daraasadda, oo lagu daabacay joornaalka Cell, ay soo martay hannaanka anshaxa iyo sharciga. ""Xaqiiqdii, waxaan daraasadahan u sameynay s loo fahmo loona horumariyo caafimaadka bani'aadamka,"" ayuu yiri. Saynisyahannada qaar, ayaa si kataba, walaac ka muujiyay tijaabada, iyagoo ku dooday in iyadoo daraasaddan ay socotay 20 maalmood, ay saynisyahanno kale hore u sii wadi karaan. Waxay ku baaqayaan in dood laga yeesho waxa ka dhalan kara in qeyb ka mid ah bani'aadamka lagu beero min uusan bani'aadamku lahayn. Iyadoo ka fal celineysay daraasadda, ayay Dr Anna Smajdor, oo bare jaamacadeed iyo baare ka ah Jaamacadda East Anglia's Norwich Medical School, sheegtay inay sababeyso ""caqabado dhanka anshaxa iyo sharciga ah"". Waxay intaas ku dartay: ""Saynisyahannada ka dambeeya baaritaankan waxay sheegeen inuu abuurayo fursado cusub, sababtoo ah 'ma awoodno inaan tijaabooyinka noocan oo kale ah ku sameyno bani'aadamka'. Balse haddii ay kuwa lagu beeray yihiin bani'aadam iyo haddii uusan ahaynba waa mid ay su'aal ka furan tahay."" Prof Julian Savulescu, oo agaasime ka ah Xarunta Oxford Uehiro ee Anshaxa kana tirsan Xarunta Anshaxa iyo Bani'aadannimada ee Wellcome, University of Oxford, ayaa sheegay in baaritaanka uu dood furayo." https://www.bbc.com/somali/war-56769011 +health Faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo isticmaalka saliid seytuunka Saliid Seytuunka waxay ka mid tahay cunnooyinka qadiimka ee dunida laga isticmaalo. Marki la arkay faa’idooyinka caafimaad ee faraha badan oo ay Saliiddan leedahayna waxaa loogu yeeraa ama looga magacdaray ‘Dahab dareera ah.’ Haddaba, maxay yihiin faa’idooyinka caafimaad ee laga helo? Ma jiraan xaalado qofka uu saliiddaasi ku isticmaalin Karin? Su’aalahaa iyo kuwa kalaba waxaa barnaamijka cunnooyinka wanaagsan looga hadlo ee ‘BBC Good Food’ uga jawaabay Nicola Shubrook oo takhasuskiisu yahay cuntooyinka nafaqada leh. Saliidda Seytuunka waxaa laga helayaa miraha geedka Seytuunka marka la tuujiyo. Geedkaasi oo aasal ahaan ka soo jeedo Badda Meditraneanka. Dhadhanka saliidda wey kala duwanaan kartaa iyadoo ay ku xiran tahay dalka laga soo saaray. Saliidda qaar dhadhankeedu waa khafiif halka qaar qaraarna la helayo. Farsamooyinka saliiddasi lagu sameeyana waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah mid la sifeeyey iyo mid aan sifeysneyn. Saliid Setuunka nadiifta tan aan nadiifta ahayn wey ka qaalisan tahay dhadhan gaar ah ayeyna leedahay midabkeeduna wuxuu xigaa madow. Tusaale ahaan nafaqada laga helo hal qaaddo oo Saliid Seytuunta (11mililitir) waxay ka kooban tahay: 99 Kaalory 11 grams oo dufan ah 9 garaam oo dufanka xargago iyo 56 garaam oo Fitaamin E ah 1. Caafimaadka wadnaha ayey u wanaagsan tahay Saliid Seytuunka waa cuntada ugu wanaagsan ee laga isticmaalo waddamada ku teedsan badda Meditiraaniyanka. Daraasado farabadan oo la sameeyey waxay tibaaxayaan Saliid Seytuunta asalka ah iney faa’idooyin caafimaadka leedahay. Waxaana faa’idooyinkaasi ka mid ah iney dajiso dhiig karka iyo iney nidaamiso dufanka jirka ku jira. Cimibaarisyo Sayniska oo la sameeyey waxay sheegayaan Saliidda Seytuunka iney tahay halka keli ah ee laga helo dufanka aan fariisan, kaasoo yareeyo dhiig furanka iyo cudurrada wadnaha ku dhaca. 2. Bararka ayey hoos u dhigtaa Bararku wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinka caafimaad ee ay wataan cudurrada aan laga bogsan. Cudurradaasi oo ugu horreeyo cudurka asaasiqa oo qofka xusuusta ka lumiyo noociisu labaad. Saliiddan waxay hoos u dhigtaa Brotiinka bararka sababa sidaa ayuuna bararki jirka qofka ku jiray ku yaraanayaa. 3. Jawiga qofka oo ay wanaajiso Cuntooyinka caafimaadka qaba ee dadka lagula taliyo iney isticmaalaan waxaa ka mid ah khudaarta, miraha kala duwan, Saliidda Kalluunka iyo Saliid Seytuunka. Saliiddan waxay sida oo kale door ka ciyaareysaa yareynta niyadjabka iyo cadaadiska qofka haysta. 4. Waxay sare u qaaddaa maskaxda iyo sida ay u shaqeyso Daraasad 2015-kii lagu sameyey cunnooyinka asal ahaan laga isticmaalo waddamada ku teedsan badda Meditiraaniyanka waxaa lagu ogaaday Saliiddan iney sare u qaaddo garaadka maskaxeed ee qofka gaar ahaan dadka da’da ah. Sida oo kale waxay yareyneysaa khatarta qofka uu ugu dhici karo cudurka Asaasiqa ee qofka xusuusta ka lumiya. 5. Waxay difaacdaa cudurrada aan laga bogsan Cilmi-baarayaashu qaarkood waxay sheegeen Saliidda Seytuunka iney ka hortageyso cudurka macaanka noociisa labaad iyo noocya ka mid ah cudurka kaansarka. Hase yeeshee, guud ahaan cudurrada ay saliiddan difaaceyso si loo sii oggaado waxaa loo baahan yahay cilmi-baarisyo qoto dher in lagu sameeyo. Saliid Seytuunka oo aan marweliba laga waayin liiska cunnooyinka dadyowga caafimaadka qaba ee daafaha dunida ku kala nool, waxaa marag ma doonta ah iney dadka oo dhami ay faa’ido aad badan u leedahay. Balse, waxay khubarada darasaddu sameysay ay soo jedinayaan iney jiraan marxalado keenay qofka inuu saliiddaasi istcmaalin ama ay caafimaad ahaan dhibeyso sida qofka xasaasiyadda qaba ee ay ku kicineyso oo kale. Waxaana lagama maarmaan ah in Saliidda Seytuunka si dhexdhexaad ah loo isticmaalo, maadaamaa uu badan Kaaloriga ku jira. https://www.bbc.com/somali/articles/c03glj9kr02o +health Doodda ku saabsan ilmo iska soo rididda ee sida weyn u kala qeybisay Mareykanka Maxkamadda ugu Sarreysa Mareykanka ayaa dabka usii hurisay kala qeybsanaanta dhaqanka ee ka jirta Mareykanka, iyadoo dood hor leh ka abuurtay arrinta ilmo iska soo rididda ee tobnaanka sano dagaalka lagula jiray.\nMaxkamadda, ayaa xukmisay inuusan jirin xaq dastuuri ah oo ilmo iska soo tuurid ah, iyadoo laashay xukunkii ahaa in go'aanka ilmo iska soo rididda uu la yaallo gobollada. Malaayiin haween ah ayaana haatan la filayaa inaan loo oggolaan inay ilmaha iska soo ridaan. Haddii xukunkan uu wax ka beddelayo sharciga iyo haddii kaleba, ma joojin doono muranka ka taagan ilmo iska soo rididda, ee dab ayuu ku sii shidi doonaa. Dadka ka soo horjeeda ilmo iska soo xaaqidda ayaa haatan ku guuleystay wax sanadihii hore aan suurtogal ahaan jirin. Waxay rumeysan yihiin in nolosha kumannaan carruur ah ay badbaadi doonto. Halka dadka taageersanna ay aaminsan yihiin in xuquuqda haweenka dib loo riday 50 sano. Xilli haweenku ay u dhiman jireen sababo la xiriira ilmo iska soo ridid si qarsoodi ah loo sameeyay. Ra'yi ururin dhowaan la sameeyay ayaa soo jeedineysa in ilaaa saddex meelood meel dadka Mareykanka ay doonayaan in meesha laga saaro xaqa dastuuriga ah ee ilmo iska soo rididda. Go'aankan ayaa sidoo kale salka la galaya siyaasad. Waxaa oggolaaday 6 xaakim halka saddexna ay diidday. Kuwa xukunka riday waxaa ka mid ah saddex xaakim oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.\nWuxuu hore u sameeyay olole gaar ah oo lagu magacaabayo garsooreyaal laali doona Roe v Wade. Saameynta siyaasadeed ee xukunka Maxkamadda ugu Sarreysa ayaa laga dareemi doonaa dhammaanba gobollada 50-ka ah ee Mareykanka, balse saameynta muuqata ee degdegga ah ayaa waxay u badan tahay in laga dareemo kala bar ka mid ah gobollada. Gobolladaas waxaa ka mid ah Oklahoma, oo bishii la soo dhaafay meel mariyay sharciga ugu adag ee ilmo iska soo rididda ee Mareykanka. Waxa haatan ka dhacaya Oklahoma ayaa saameyn doona gobollada kale.\nHaatan Roe v Wade ayaa la meel mariyay, 26 gobollo ayaa laga yaabaa inay xaddidaan ilmo iska soo rididda, waxaana ka mid ah 13 gobol oo hore ka mamnuucaya sharcigaas marka uu saa u dhaco go'aanka maxkamadda. Gobollada ay maamulaan Dimuqraadiyiinta sida California iyo New York ayaa iyago soo dhoweyn doona haweenka meelaha kale ee arrintan ay mamnuuc ka tahay. Waxaa jira 20 gobol oo weli ilmo iska soo rididdu ay ka tahay xuquuq lama taabtaan ah. Ilaa 26.5 milyan oo haween ah oo da'da dhalmada ku jira ayaana ku nool gobolladaas. Qiyaastii 600,000 iyo 800,000 oo ilmo iska soo xaaqid ah ayaa ka dhacday Mareykanka sanadkii 2019. Sida laga soo xigtay Xarunta Xakameynta Cudurrada, lixdii uurba mid ka mid ah ayaa la soo ridaa, iyadoo 90% ay dhacaan saddexda bilood ee ugu horreeya uurka. In ka badan kala bar haweenka ilmaha iska soo rida waa hooyooyin, halka qaar kalena uuba u yahay ilmihii ugu horreeyay ee ay iska soo ridaan. Go'aanka maxkamadda ayaan noqon doonin mid waqti ku xiran, iyadoo dadka Ameerikaanka ah ay dabayaaqada sanadkan u codeyn doonaan wakiilladooda Kongareeska. Iyagoo guul ka soo hooyay doorashooyinkii November, Dimuqraadiyiinta ayaa aaminsan in haweenka taageersan ilmo iska soo rididda ay iyaga u codeyn doonaan. Balse waxay hore ugu guuldarreysteen isku day ah inay Konagreeska ku qasbaan inuu la yimaado sharci xuquuq dastuuri ah ka dhigaya ilmo iska soo rididda, kaas oo gobollada gaarka ah ka joojin lahaa mamnuucidda hannaankan. Xitaa haddi Dimuqraaddiyiintu ay maamulaan Aqalka iyo Senate-ka, ma awoodi doonaan inay meesha ka saaraan xukunkan maxkamadeed.\nDhanka kale, waxaa jira xildhibaanno badan oo Jamhuuriga ka tirsan oo jeclaan lahaa in la sharciyeeyo mamnuucid federaali ah oo ilmo iska soo rididda ah oo dhammaan gobollada ah. Mareykanka maanta wuxuu dareemayaa inuu yahay sida hal dal balse ay ku nool yihiin labo qowmiyadood oo aad u kala duwan, ku kala qeybsan fekerka iyo hadafyada. Hadda, way uun sii kala fogaadeen. https://www.bbc.com/somali/articles/c87jy0d3255o +health Caanaha dabiiciga ah oo laga jecel yahay kuwa aan dabiiciga ahayn "Waxay u muuqataa in dad badan ay ka maarmeen caanaha Lo'da iyagoo isticmalaya caanaha dhirta laga sameeyo Hadii ay ahaan laheyd Almond (mira bahda lowska), soy ama qumbaha. Rubuc ka mid ah dadka Britishka ah waxaa ay haatan cabaan caano aanan kuwa lo'da ahayn sida ay shegeen waaxka cilmi baarayaasha suuqdaya firm Mintel kuwaasi oo la hadlay 2 kun oo qof. Boqolkiiba 33% dadka ugu badan ee isticmaala caanaha aan dabiiciga ahayn waxay da'dooda u dhaxeeysaa 16 ilaa iyo 24 jir. Balse caanaha aan dabiiciga ahayn ee dhirta laga sameeya waxay suuqa ka haystaan oo keli ah 4% sanadki 2018-kii halka boqolkiiba 96% ay ahaayeen caano lo'o ama dabiici ah. ""Walaaca ku aadan caafimaadka, anshaxa iyo degaanka"" ayaa sare u sii qaaday iibsashada caanaha dhirta, sida uu sheegaya Emma Clifford, oo machadka Mintel u qaabilsan la socoshada cuntada iyo cabitaanka. Labo iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay Caafimaadka waa sababta ay boqolkiiba 37% ee da'da u dhaxeysa 16-24 jir la sheegay inay u yareeyeen inta ay caanaha lo'da ka cabijireen. Saameynta deegaanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyeen kooxda- waxay sheegeen in boqolkiiba 36% beeridda geedaha caahana aysan u wanagsaneyn deegaanka. Da'da 16-24 jir u dhaxeysa ayaa sidoo kale iibsanaya caanaha lo'da oo hoos u sii socda ilaa boqolkiiba 79% sanaddi 2018-kii halka 2019-kana ay noqotay 73% sida ay cilmi baarayaashu sheegayaan. ""Qiimaha lagu iibsado caanaha lo'da ayaa haatan hoos u dhac ku yimid xaqiiqda ayaa ah in da'yar badan ee iib sanjiray ay u wareegeen caanaha dhirta laga sameeyo"" ayuu yiri Emma Clifford. Waxay sidoo kale ku fakaraysa in da'yarta ay ogaadaan faa'iidada isticmaalka caanaha lo'da inay ka badan yihiin caanaha geedaha markii caafimaad ahaan loo eego." https://www.bbc.com/somali/war-49058247 +health Raashinka: Iska ilaali siddeed cunto oo sababi kara gaaska caloosha "Socodka waa shey dabiici ah. Qofka caadiga ah wuxuu socdaa 5 ilaa 15 jeer maalintii. Balse haddii caloosha aad ka qabto gaas kuuma suuragaleyso in aad caafimaad ku sameyso lugeys ama jimicsi kale. Dabcan waxaa intaas sii dheer xanuun iyo dhibaato shakhsi ahaaneed. Khubarada waxay ku doodaan in waxyaabaha laab-jeexa keena ay yihiin kuwo u wanaagsan caafimaadkaaga guud, sida caleenta maaddada fiber-ka laga helo iyo cuntooyinka carbohydrates-ka. Jirkaaga awood uma laha inuu burburiyo raashinkan balse bakteeriyada ku jirta dheef shiidkaaga ayaa shaqadaas qabaneysa. Sidaas darteed, maxay yihiin noocyada cuntooyinka aad u baahan tahay marka aad soconeysid, raashinka noocee ah ayaa sababa shiirka badan ee jirka, waase goormee marka aad u baahan tahay inaad dhakhtar la tashato? Cuntooyinka dufanka leh waxay gaabis ka dhigaan shaqada dheef shiidka, sidaas darteed raashinkaas wuxuu ku daahayaa uur ku jirtaada, wuu ku dhex qurmayaa wuxuuna sababi karaa inay neeftaada soo shiirto. Hilibka baruurta leh waxaa ku badan maaddooyinka aashitada wata ee amino-acids, methionine iyo sulfur. Bakteeriyada jirkaaga ayaa burburineysa sulfur-kii kaddibna waxay ka dhigeysaa nooc kale oo ah ""hydrogen sulfide"". Markaas wuxuu usoo urayaa sida ukun quruntay oo kale. Arrintaas waxay kordhineysaa xaddiga gaaska ee calooshaada ay sii deyso marka aad cunto hilibka iyo raashinka kale, sidaas ayuuna laab jeex ku imaanayaa marka gaaskii tirada badnaa uu usoo gudbo meelo ka baxsan caloosha. Khudaarta caleenta ah waxaa ku badan maaddada fiber-ka oo uu jirkeenna u baahan yahay, balse waxay sidoo kale wadataa sokor ay seynisyahannada u yaqaannaan ""raffinose"". Skortaas jirkaaga lama falgali karo, sidaas darteedna waxaa ka imaan kara jahwareer caafimaad oo dhanka dheef shiidka ah. Toos waxay u aadeysaa mindhicirrada oo u isticmaalaya tamar ahaan. Hannaankaas waxaa ka dhalanaya ""hydrogen, methane"" waxaana ka abuurmaya neef ur badan. Fikrado kala duwan ayay dadka ka qabaan ukunta, balse inteenna badan gaas kama dhaxalno cunista ukunta. Laakiin waxaa xaqiiqo ah inay ku jirto maaddada methionine oo ka kooban Sulfur. Marka haddii aad dooneyso in aadan si xun u shiirin ukunta haku cunin raahinka kale ee dufanka leh. Haddii ay calooshaada aariyo ku dibirto ama aad shubanto marka aad ukun cunto, waxaa suuragal ah in uusan dheef shiidkaaga si fiican ula shaqeyneynin ukunta ama aad xasaasiyad ku qabto. Basasha, toonta iyo cuntooyinka la midka ah waxay sababi karaan aariyo caloosha ka buuxsanta oo sababa dibiro ama gaas. Caanaha lo'da iyo kuwa ariga waxay ka sameysan yihiin maaddo la yiraahdo ""lactose"" oo kordhisa gaaska sokorta. Taas waxaa kasii muhiimsan in 65% ka mid ah dadka waaweyn ee ku nool caalamka aysan awood u lahayn inuu dheef shiidkooda burburiyo lactose, waxayna u badan tahay inay ka cawdaan gaas iyo laab jeex haddii ay cunaan raashinka ka sameysan caanaha. Maaddooyin gaaska badan soo saara iyo fiber ayaa ku jira qamadiga iyo badarka kale ee qolofta leh, sida galleyda iyo masagada. Marka uu raashinka noocan ah dheef shiidka ku adkaado waxay caloosha soo saartaa aashito gaas ah oo ka tiro badan xaddigii loo baahnaa. Si la mid ah khudaarta kale ee cagaaran, kabashka, broccoli iyo caleenta kale ee noocaas ah waxay dhammaantood dhibaan dheef shiidka, kaddibna caloosha waxay ka dhigataa tamar si ay u soo saarto gaas xad dhaaf ah oo shiida ama burburiya. In badan oo ka mid ah khudaartan waxay abuuraan sulfur, sidaas darteed waad qiyaasi kartaa sida uu urkooda u xoog badan yahay. Qaar badan oo ka mid ah miraha khudaarta ah, sida tufaaxa, cambaha iyo kuwa la midka ah waxay ku jiraan raashinka ay adag tahay in si dhakhso ah uu caloosha ugu burburo. Mararka qaar tufaaxa iyo khudaarta isagoo kale ah waxay leeyihiin fiber waxtar weyn u leh caloosha inkastoo dhanka kalena ay kordhinayaan gaaska. Dad badan way ku adag tahay inay dheef shiidka ku baabi'iyaan haddana kama maarmi karaan. Gabagabadii, dhakhtar la tasho haddii raashinka noocyadan ah ay kuu horseedayaan dhibaato ka badan sida caadiga ah." https://www.bbc.com/somali/war-59070361 +health Korinta Carruurta Soomaalida Qurbaha: Maxaad ka ogtahay qoyska xanaaneeyo carruurta? "Qoyska kaliya ee Soomaalida ah ee xanaaneeya carruurta ee Bristol ayaa dadka kale ee Soomaalida ah ugu baaqay iney iyagana kula soo biiraan barnaamijka korinta carruurta. Qoyskan ayaa ku nool magaalada Bristol ee dalka Britain. Qoyska Buraale ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo qoysas badan oo Soomaali ah oo carruurta xanaaneeyo, sababtoo ah waa muhiim in la is waafajiyo dhaqanka caruurta iyo diintooda. Inta badan waxa dhacda in carruur Soomaali ah ay xanaaneeyaan qoys cadaan ah oo aan Muslimiin ahayn taas oo ay dhibaato dhanka dhaqanka iyo diinta ay kala kulmaan. Magaalada Bristol waxaa ku nool Soomaali kor u dhaafeysa laba kun oo qof, waana qoymiyadda ugu badan ee ku nool meel ka baxsan London iyo Birmingham. Golaha deegaanka ee Bristol ayaa sheegay iney doonayeen iney tirada dadka kordhiyaan si loo helo dhaqamo kala duwan. Iyadoo la doonayo in canugga Muslimka ah la ogaado marka la geeyo xarumaha lagu xanaaneeyo ayay hadana suuragal ahayn in la ogaado tirada saxda ah ee caruurta Soomaalida sababtoo ah, dhaqanka iyo halka uu ka soo jeedo canugga lama diiwaan-geliyo. Qoyska Buraale ayaa sagaalkii sannadood ee la dhaafay bar-baariyay carruur ka badan 10, iyagoo sidoo kalana barbaarinayay afar canug oo ay dhaleen. Carruurta ay koriyeen waxay isugu jireen Somaali, Pakistaani iyo kuwa reer British ah. Saciid Buraale oo ah 49 sano jir, ka hor inta uusan bilaabin xanaaneynta wuxuu carruurta ka shaqeeyay inuu taageero u fidiyo qoysaska barbaariya carruurta ee aan Muslimiinta ahayn isagoo ugu deeqayay cunooyin gaar ah oo xalaal ah . Waxa uu sidoo kale caruurta ka caawinayay ku dhaqanka diintooda. Mr Burale ayaa sheegay: ""Waxaan dareemay mas'uuliyad ah inaan aniga qudheyda noqdo waalid xanaaneeya caruurta. ""Waa shaqo adag balse waanu ku faraxsannahay inaanu sameyno''. Afadiisa Zaynab Ismaaciil, ayaa sheegtay iney aaminsantahay iney muhiim tahay in marka ay qoysasku barbaarinayaan carruurta ay ku saleeyaan dhankooda si looga fogaado argagaxa iyo dhibaatooyinka ay sababaan kala duwanaashaha dhaqanka. Fikirkooda ayaa la xaqiijiyay markiii gabdh 12 sano jir ah loo geeyay iyaga kaddib markii qoyskeeda uu bur-buray. ""Waxay inoo sheegtay gabadha in 25 qoys ay soo martay balse ugu dambeyn markii ay ku soo biirtay qoyskeena waxay dareentay sida iyadoo gurigeeda joogta, waxayna markasta ku taami jirtay iney hesho qoys Soomaali ah.'' ""Marka aad ku nooshahay magaalo ay ku nool-yihiin bulsho kala duwan, qoys kasta iyo ilma kasta waxay leeyihiin caado iyo dhaqan soo jireen ah, kuwaas oo u baahan in la tixgeliyo."" ""Marka qoyska loo geeyo canug iyaga ka duwan, waa iney dhaqankiisa ilaaliyaan si canugaas aysan niyadda dhaawac uga soo gaarin"", ayay tiri Zaynab. Cali oo aan dooneyn in la shaaciyo magiciisa saxda ah ayaa inoo sheegay inuu ""aad u jeclaan jiray"" qoys Soomaaliyeed markii ay korsadeen 13 jirkiisii qoys caddaan ah oo aysan isku diin ahayn."" Waxaa iga luntay jihada, sabatoo ah ma haysan qof aan ku daydo oo itusi kara dhaqankayga,'' ayuu yiri. ""Waanada ayay ahayd waxa ugu weyn ee aan u baahnaa, waxaan doonayay inaan helo qof fahmaya diinteyda iyo dhaqankayga."" ""Qoyskii aan la noolaa waxay isiin jireen cunno aan xalaal ahayn, waxay igu khasbeen khamri, oo Islaamka mamnuucay, balse haddana waan cabi jiray oo danta ayaa igu khasbi jirtay."" Cali markii uu gaaray 18 sano jir waxa uu go'aansaday inuu dib u helo dhaqanka Soomaalida. Shabakadda xanaaneynta carruurta oo la aasaaay 2017-kii ayaa horseedday iney sare u kacaan qoysaska Musimiinta ee caruurta xanaaneeya, waxaana haatan qiyaas ahaan carruurta Muslimiinta ah ee ku jira xarumaha xanaaneynta ee guud ahaan gobolka lagu qiyaasaa 5,000 ilaa 7,000. Golaha deegaanka ayaa sheegay iney sii wadi doonaan la shaqeynta bulshada Soomaalida ee ku nool Bristol si loo hormariyo xiriirka. Saciid iyo Zaynab ayaa sheegay iney ka warqabaan iney jiraan fikrado khaldan oo ay buslshada Soomaalida ka aamisan yihiin iney noqdaan waalid xanaaneeya caruur aysan iyaga dhalin." https://www.bbc.com/somali/war-52917600 +health Haweeney noolasha ku silicday ugu dambeyna Lib ka gaartay "Helen Warade waa hooya 3 carruur ah oo ay dhashay oo ay weliba aabba la'aan soo korsatay halmar ay si lama filaan ugu wada geeriyoodeen. Dab gurigeeda qabsaday ayey hal mar ku wada gubteen 3 carruur oo ay iyadu dhashay, walaasheed iyo ilma ay walaasheed dhashay qoyskeeda oo guud ahaan ka kooban 5 qof. ""Carruurta inta ay iga geeriyoon ka hor waxaan dhibaata aad u badan kala kulmay korintooda iyo barbaarintooda caruurta oo 3 iskuul oo kala duwan wax ka baranaysay inaan iskuulka geeyo ama aan ka keeno waxay igu ahayd mid aad u adag"" ayey tiri Helen. Seddexada carruurta ah ee Helen marka wada geeriyooday Yoseef wuxuu ahaa 13 jir, Yasen oo 5 jir ah iyo Nisren oo 6 jir ah waxay ahaayeen ubaxyada ay dunida ka fiirsato. Maalin maalmaha ka mid ah ayey xaaladda qoyskeeda oo dhan si lama filaan ah iisu beddeshay. Muddo hadda 10 sano laga jooga oo ku beegneyd 2010-ka, barqanimo Sabti ah guriga ay Helen ku nooleyd ayaa laga maqlay qaylo aad u daran, waxaana gurigeeda hortiisa ku uruursan dad badan oo ka soo jeeda dalka Itoobiya oo ku nool gobolka Seattle. ""Xilliga ay dhaceysay arrintan naxdinta leh hooyada ilmaha dhashay oo leh ""carruurteyda ayaan rabaa"" oo hadba dhinac u ordoyso dumar badan ay isku dayayaan iney dajiyaan ayaan arkayey"" ayuu yiri wariya ka tirsan wargeyska Times oo dhacdadan faallo ka qoray goob joogna u ahaa. Shilka damba ee markaa dhacay ee ay Helen 5 qof oo faamilkeeda ah oo ay 3 carruur ah ooay dhahsy ku jiraan ku weysay ayaa lagu sheegaa inuu yahay dabki ugu weynaa ee muddo toban sana ah ka kacay Seattle. Helen waxaa ila iyo hadda xusuusteeda ka bixi la' marki ugu dambeysay ee ay carruurteeda iyo qoyski ka geeriyooday ay wakhti la qaadatay. ""Aniga waxa sida lama filaanka ah iigu dhacay waxay ahayd mid awooddeyda ka baxsan oo aan xammili waayey, carruurteyda aan ifka ugu jeclaa dabka waan ka badbaadin waayey, ilaa iyo hadda waxaa igu dhib ah inaan dhacadadaasi ka hadlo ... (ilma ayaa indhaheeda ka qubaneysa) ... runti dhib aad u weyn ayaa igu dhacay"" ayey tiri Helen. Helen marki ay dhulkeeda hooyo ka tageysay 2 jir ayey ahayd. Kaddibna qoyskeeda ayaa u hayaamay dalka Sudaan muddo siddeed sana ahna halkaasi ku noolaa. Helen marki ay magaalada Seattle tageysay waxay ahayd 10 jir, waxabarashada dugsi sare marki ay ka baxdayna ubad ayey dhashay mas'uuliyadda hooyanimana iyada ayuu dusaha ka fuulay ilaa ay caruurti ay dhashay shil kaa geeriyoodaan . Helen waxay markastaba afkeeda aan laga waayin mahadnaqa iyo sharafta ay u hayso hooyadeed iyo dhammaan shacabka reer Seattle sida ay u garab istaageen xilligi ay masiibadu ku habsatay. Muddo kaddib Helen waxay billaawday baalki madoobaa ee noolasha ka soo maray iney u aragto fursad ay cashar ka baraneyso kaddibna ay uga gudubta fursadda labaad ee noolasha. ""Waxkastaba ilaahey amarkii ayey ku dhacaan, ilaaheyna marki uu dhib kugu keenayo waxaa laga yaabaa wax ka wanaagsan inuu kuu diyaariyey samir iyo dulqaad kaddib, wuxuu ilaahey i siiyey laba wiil oo mataana ah oo aan ku indha qabowsado waa sababta aan u leeyahay wax kastaba amar ilaahey ayey ku dhacaan"" ayey tiri Helen. Helen waxay marwaliba aaminsaneed iney jirto noolal ka duwan tan xanuunka badan ee ay la kulantay oo sabab u noqon karta farxad, iyo bog cusub oo noolasha kuu laaban aad gasho. ""Dhibka i gaaray marka loo fiiriyo waxaan noqon lahaa darbijiif, rafaadsan, cudurna uuu wehliyo, Balse ilaahey masiibadi igu dhacday si aan u gudbo wuxuu iigu deeqa samir iyo dulqaad wuxuuna igu ilhaamiyey wixi wanaagsan inaan qabto"" ayey tiri. Dhacdadi xanuunka badneyd waxaa Helen illowsiiyey oo ay ku samirtay laba carruur oo mataana ah ay ay dhashay, hase yeeshee in mudda ah waxay la dhiibbaneyd iney aaminto iney carrurtan mataanaha ah iyadu dhashay oo ay ilmaheedu yihiin. ""Iyada oo ay hooya marweliba beer nugushahay ubadki ay dhashayna ay ka samri karin haddana inta karaankeyga waan is adkeeyey"" ayey tiri. Waxaan ku fakaray inaan dalkeeyga hooyo iyo halka ay waaliddiinteyda ka soo jeedaan aan ka aasaaso xaruun caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka lagu daweeyo. Awooddeeda oo dhan waxay isugu geysay iney fikirkeeda ka mira dhaliso. Ugu dambeyntina magaalada ayaa waaliddiinteeda ka soo jeedeen ee Shire-Indesillaase waxay ka dhistay xaruunti caafimaad oo ay in muddo ah dadaalka u soo gashay. Xaruunti caafimaadka ee ay Helen dhistay waxay hadda bixisaa adeeg caafimaad oo dhammeystiran, balse fikirka ay Helen damacsan tahay intaa un kuma eka balse waxay rajeeyneysaa howla intaa ka waaweyn iney ka qabato dalkeeda hooya ee Itoobiya." https://www.bbc.com/somali/war-51777824 +health Wax ka ogow goobaha ugu halista badan adduunka "Haddii aadan hore u aqoon dhammaan goobahan halista ah ee adduunka dacalladiisa ku yaalla, isla markaana ay kuu qorsheysan tahay inaad midkood booqato, waxaad u baahan tahay inaad beddesho qorshahaaga, maaddaama tobankan meelood ee soo socda ay yihiin kuwa ugu halista badan dunida. Waddada North Yungas waxaa ""Waddada Dhimashada"" loogu bixiyay sababo jira awgood. Inaad waddadan gaari ku waddo waa halis, sababtoo ah waxaad la kulmeysaa dhul go'yo, daadad iyo dhagaxaan soo daadadanaya. Sanadkii 1994, ilaa 300 oo darawallo ah ayaa sanad walba ku dhiman jiray, taas oo xaqiijineysa naaneysta waddadan kuna dareysa liiska meelaha ugu halista badan dunida ee la booqdo. Waxaa jirta jasiirad ilaa 25 meyl u jirta xeebta Brazil halkaas oo dadka dalkaasi ku nool aysan ku dhiirran karin inay booqdaan. Waxaa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in la helay meydka kalluumeyste doontiisa saaran oo dul sabbeyneysa badda. Jasiiraddan halista ah waxaa loo yaqaannaa Queimada Grande, waxaana la sheegay inay aad u halis badan tahay iyadoo dowladda Brazil ay dadka ka mamnuucday inay booqdaan. Yeysan ku sirin quruxda haradan. Waa mid ka mid ah meelaha aan ku habbooneyn in lagu noolaado ee dunida ku yaalla. Harada Natron oo ku taalla Waqooyiga Tanzania ayaa waxay u ektahay harada dabka. Xaddi sare oo maaddada Natron (sodium carbonate decahydrate) ah ayaa biyaha haradan ka dhigaya kuwo jirka bani'aadamka u daran. Oymyakon waa xaafad yar oo ka tirsan degmada Oymyakonsky ee dalka Ruushka. Xaafaddan waxaalagu tilmaamaa mid ka mid ah meelaha ugu khatarsna ee lagu noolaado sababo la xiriira cimiladeeda oo aad u xun. Heerkulka aadka u daran ayaan suurtogal ka dhigeyn in goobtan lagu noolaado. Cimilada ayaa heerkulkeedu wyxyy gaaraa ilaa -40 degrees Celsius (-90 degrees Fahrenheit). Dooxada Dhimashada waa saxare ku yaalla xadka gobollada California-Nevada ee dalka Mareykanka waana meel aad u kulul. Waa mid ka mid ah meelaha ugu kulul caalamka. Keliya tiro yar oo saxare ah ayaa ku yaalla Bariga Dhexe iyo Afrika, kuwaas oo xilliyada xagaaga noqda kuwo aad u kulul. Heerkulka ugu hooseeya cimilada ee dooxadaasi wuxuu habeenkii gaaraa 108.1 ° F. Xeebtan waxay ku taallaa koofurta Angola ee waqooyiga Namibia. Waxay ku dherersan tahay Wabiga Kunene (koofur) ilaa Webiga Swakop. Xeebta Qalfoofta waxay ku jirtaa liiska meelaha ugu xun adduunka ee la booqdo saabo la xiriira cimiladeeda oo xun, waana meel ay dhif tahay inuu qofku ku noolaado. Cimilada, dabeylo xooggan, iyo cunto iyo biyo la'aan dartood uma suurto galeyso dalxiisayaasha inay ku damaashaadaan xeebtan. Mid ka mid ah meelaha lama degaanka ah ee dunida ku yaalla waa Lama degaanka Danakil oo ku yaalla Bariga Afrika. Iyadoo mararka qaar uu heer kulkeedu dhaafo 50 ° C (122 ° F), foolkaano iyo ceelal sii daaya gaas ah oo ku yaalla dartood, Lama degaanka Danakil ma aha meel ay fududdahay in lagu noolaadoo. Caafimaadkaaga jir ahaan ayay saameyn ku yeelaneysaa haddii aad muddo joogto halkaas. Biyo-xireenka Turkmenistan Darvaza waxaa loo yaqaannaa ""Albaabbada Naarta."" waa goob qani ku ah gaaska dabiiciga ah kuna dhex taalla god dhulka hoostiisa ah; khubarrada cilmiga dhulka ayaa dab ku shiday si looga hortago faafitaanka gaaska methane, waxayna holceysay tan iyo sanadkii 1971. Waxay ku taallaa bartamaha Lama degaanka Karakum, oo qiyaastii 260 km u jirta caasimadda Turkmenistan, nwaxayna u dhowdahay xaafadda Derweze, Ashgabat. Jasiiradda Waqooyiga Sentinel waxay ku dhex taallaa Jasiiradaha Andaman waana mid ka mid ah meelaha ugu khatarsan dunida. Dadka meeshan deggan ayaa u noolaahab dhaqameed iyagoo diiday inay sameeyaan wax walba oo suurto gal ah oo ay ugu xirmi karaan dunida inteeda kale. Qabaa'ilka halkan ku nool ma yaqaannaan dadka meelaha kale ka yimaada, haddii ay dalxiisayaashu soo galaan jasiirraddoodana, waxay u arkaan fal khalkhal gelin kara noloshooda, waxaana laga yaabaa inay iska caabbin sameeyaan. Beerta Nasashada ee Madidi waxay ku dherersan tahay Webiga Amazon ee dalka Bolivia waxayna ku fadhisaa dhul dhan 19,000 km isku wareeg ah. Beertan waa keymo isku cufan, waxaana ku yaalla dhamaan noocyada dhirta iyadoo xayawaanno badan ay hoy u tahay, qaarkoodna waa halis. Keymahan waa bahallo galeen iyadoo dalxiisayaasha lagula taliyo inaysan kelegood aadin. Waa mid ka mid ah meelaha sida aadka ah loo ilaaliyo sababo la xiriira duurjoogta ku nool, shimbiraha iyo xayawaannada halista ugu jira inay dabar go'aan." https://www.bbc.com/somali/war-58290210 +health Hindiya: Haweeneydii ka dambeysay soo saaridda qalabkii ugu horreeyay ee baaritaanka xanuunka Coronavirus "Hindiya ayaa lagu cambaareeyay taariikhda ay u leedahay taya xumada dhanka baaritaanka dadka, xilli dagaal lagula jiro coronavirus. Taas ayaa si kastaba haatan isbeddel lagu sameeyay, waxaana mahaddaas inta badan iska leh saynisyahanad ku takhasustay fayrasyada, oo la timid mashruuc qalabka baaritaanka ah, saacado kahor inta aysan dhalin. Khamiistii, qalabkii ugu horreeyay ee baaritaanka dadka ee Hindiya lagu sameeyo ayaa gaaray suuqyada dalkaas, taas oo dhalisay rajo ah in la kordhiyo baaritaanka bukaannada qaba calaamadaha hargabka si looga baaro xanuunka Covid-19. Shirkadda Mylab Discovery, oo ku taalla magaalada galbeedka Hindiya ku taalla ee Pune, ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee si buuxda loogu oggolaado soo saaridda iyo iibinta qalabka baaritaanka. Waxay toddobaadkan 150-kii xabo ee ugu horreeyay geysay sheybaarrada ku yaalla Pune, Mumbai, Delhi, Goa iyo Bengaluru (Bangalore). ""Waaxdeenna wax soo saarka... waxay ka shaqeyneysaa xirmada xigta ee qalabka inay qeybiso Isniinta,"" ayuu yiri Dr Gautam Wankhede, oo ah agaasimaha Mylab ee arrimaha caafimaadka. Shirkaddan oo sidoo kale sameysa qalabka baaritaanka ee HIV iyo Hepatitis B iyo C, iyo cudurro kale, ayaa sheegtay inay soo saari karto ilaa 100,000 oo qalabka baaritaanka xanuunka Covid-19 ah toddobaadkiiba iyo ka badan haddii loo baahdo. Qalabka Mylab ayaa lagu baari karaa ilaa 100 kiis waxaana la iibiyaa 1,200 rupees ($16; £13) -waa lacag yar marka loo eego inta Hindiya kaga bixi jirta soo dhoofinta qalabkaas. Saynisyahannadda, ayaa qalabka keentay kaddibna dhashay ""Qalabkeenna wuxuu natiijada ku soo saaraa labo saac iyo bar halka qalabka la soo dhoofiyo ay qaataan lix ilaa toddoba saacadood,"" ayay tiri saynisyahanad Minal Dakhave Bhosale, oo ah madaxa baaritaanka iyo horumarinta ee Mylab. Ms Bhosale, oo madax u ahayd kooxda sameyneysay qalabka baaritaanka coronavirus ee lagu magacaabo Patho Detect, ayaa sheegtay in lagu sameeyay lix toddobaad gudahood, intii lagu sameyn lahaa saddex ilaa afar bilood. Saynisyahannadda ayaa toddobaadkii la soo dhaafay dhashay gabar, waxayna shaqada mashruuca bilowday bishii February, kaddib markii ay isbitaalka ka baxday xaalado caafimaad oo dhanka uurka la xiriiray dartood. ""Degdeg ayay ahayd, marka waan isku dhibay. Waa inaan dalkeyga u adeegaa,"" ayya tiri, iyadoo intaas ku dartay in kooxdeeda oo 10 ka koobneyd ay aad u shaqeeyeen si mashruucu uu u guuleysto. Ugu dambeyn, waxay qalabka u gudbisay Machadka baaritaanka fayrasyada ee (NIV) 18-kii March, maalin kahor inta aysan dhalin. Isla fiidnimadaas, saacad kahor inta aad isbitaal loo qaadin si loogu sameeyo qalliinka dhalitaanka, waxay sheegtay in mashruuca ay u gudbisay hay`adda FDA iyo waaxda dawooyinka iyo xakameynta ee CDSCO si oggolaasho ganacsi loo siiyo. ""Waqtiga ayaa na hayay,"" ayay tiri Dr Wankhede. ""Sumcaddeenna ayay arrintu saameyneysa, wax walba inaan degdeg u sameyno ayay ahayd, Minal ayaana dadaalkeenna majaraha u haysay."" Kahor inta aysan qalabkaasi gudbin si loo qiimeeyo, kooxda ayaa dhowr jeer baaritaan ku sameysay. ""Haddii aad toban jeer isla hal kiis ku sameyso baaritaan, natiijadu waa inay isku mid noqotaa,"" ayay tiri Ms Bhosale. ""Taasna waan ku guuleysannay. Qalabkeennu wuu fiicnaa."" Guddiga Baaritaanka Caafimaadka ee ay dowladdu maamusho ee (ICMR), ayaa taas ku raacay. Wuxuu guddigu sheegay in Mylab ay tahay shirkadda keliya ee Hindiya eek u guuleysatay natiijada 100%. Hindiya waxaa lagu eedeeyay inaysan sameyn baaritaan ku filan. Waa dalka ugu hooseeya dunida dhanka baaritaanka cudurrada. Markii hore Hindiya waxay ku adkeysatay baaritaanka keliya dadka u safray dalalka uu sida ba`an uga jiro fayraska amaba dadka la xiriiray qof qaba fayraska, ama shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalaya bukaannada coronavirus. Waxay markii dambe sheegtay in dadka la geeyo isbitaalka ee lagu arko xanuunnada neefmareenka sidoo kale la baaro. Maalmihii la soo dhaafay, Hindiya ayaa sare u qaadday baaritaanka. Markii hore keliya hal sheybaar ayaa loo oggolaa inuu sameeyo baaritaanka coronavirus, balse haatan dhowr sheybaar oo si gaar ah loo leeyahay ayaa sidoo kale sameeya baaritaanka. In sare loo qaado baaritaanka ayaa ah caawinaad weyn, balse khubarrada ayaa sheegaya in habacsanaan ay ka jirto waaxda caafimaadka Hindiya, taasna loo baahan yahay in a xalliyo si wax looga qabto khatarta sii kordheysa ee coronavirus." https://www.bbc.com/somali/war-52077190 +health Muxuu yahay cudurka 'ay basasha sababtay' ee ka dillaacay Mareykanka? "Bakhaarrada raashinka iyo khudaarta laga iibsado ee dalka Mareykanka ayaa dib suuqyada uga saaraya basashii ay horay usoo galiyeen, kaddib markii ay soo baxday cabsi ku saabsan in basashaas ay sababtay cudurka salmonella oo ay ilaa hadda la xanuunsadeen in ka badan 600 oo qof. 1-dii bishii August, bakhaarka lagu magacaabo Thomson International ayaa dalbaday in dib loogu soo celiyo bashasha guduudan, tan jaallaha ah iyo midda cad ee uu suuqyada 50-ka gobol ee Mareykanka iyo Canada soo galiyay tan iyo 1-dii bishii May. Kiisaska cudurka Salmonella, oo ah xanuun ay sababto bakteeriyada, ayaa laga soo tabiyay 43 gobol oo ka tirsan Mareykanka iyo sidoo kale Canada. Salmonella ayaa qofka u keeni kara shuban, qandho iyo murqo xanuun. Carruurta iyo dadka waayeelka ah ayaa aad ula xanuunsada cudurkan. Waxaa suuragal ah in basal cudurka wadata laga iibiyay dukaamada jumlada bixiya, makhaayadaha iyo sidoo kale dukaamada tafaariiqda, sida ay sheegtay waaxda maamusha cuntada iyo dawooyinka ee dalka Mareykanka (FDA). Bakhaarrada ugu waaweyn Mareykanka, oo ay ka mid yihiin Walmart, Kroger, Food Lion, Publix iyo Giant Eagle ayaa soo saaray codsiyo ay ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo basasha ama cuntooyin laga diyaariyay - sida ansalaatada iyo waxyaabo la mid ah - kuwaasoo la sheegay inay ka mid yihiin raashinka sumeysan ee cudurka wata. Maalintii Isniinta, Bakhaarrada lagu kala magacaabo Trader Joe's iyo Ralph, oo ku yaalla Xeebaha Galbeed ayaa sidoo kale billaabay inay basasha dib usoo ceshtaan. Saraakiisha caafimaadka ee Canada ayaa xaqiijiyay kiisas ka badan 200 oo cudurka Salmonella, waxaana xanuunka lala xiriiriysay basasha looga soo dhoofiyay dhinaca Mareykanka. Basasha ka baxday gudaha Canada ayaa la sheegay inaysan wax dhibaato ah qabin. Sida laga soo xigtay waaxda xakameynta cudurrada ee Mareykanka (CDC), 85 qof ayaa isbitaallada loo dhigay cudurka salmonella, ilaa 7-dii bishan August. Calaamadaha cudurka Salmonella ayaa dadka uu ku dhaco kasoo muuqda lix saacadood ilaa lix maalmood gudahood. Inta badan dadka ayaa ka caafimaada iyagoo aan la daweynin, muddo afar ilaa toddobo maalmood gudahood ah. Laakiin qaar ka mid ah kiisaska daran lagu arko in bakteeriyada ay u gudubto qeybaha kale ee jirka. ""Carruurta ay da'dooda ka yar tahay shan sano, waayeelka ka weyn 65 sano iyo dadka uu difaaca jidhkoodu liito ayaa halis ugu jira inay aad ula xanuunsadaan,"" ayey tidhi waaxda CDC. Laamaha caafimaadka dadweynaha ee Mareyksanka iyo Canada ayaa baadhitaan ku billaabay waxa uu salka ku hayo cudurkan. Saraakiisha caafimaadka ayaa shacabka kula taliyay inay qashinka ku daraan dhammaan basasha guryahooda taalla, haddii aysan hubin meesha ay ka keeneen. Xitaa cuntada la kariyay ee basashaas ay ku jirto ayaa sababi karta in bakteeriyada ay sii fiddo. Waxay bakteeriyada ku hadhi kartaa wax kasta oo jikada yaalla dushooda. Waxaa dadweynaha lgu boorriyay inay iska nadiifiyaan wax kasta oo ay cudurkaas kasii qaadi karaan." https://www.bbc.com/somali/war-53747120 +health Haweenay uur leh oo loo jirdilay warar la isla dhexmaray oo sheegaya in ay canug afduubatay "Dad ayaa jir dilay haweenay uur leh oo ay uga shakiyeen in ay af duubanayso canug, arrintaasina waxay ka dhacday magaalada Delhi ee caasimadda u ah dalka Hindiya. Booliiska ayaa BBC-da u sheegay in ay dagan tahay xaaladda haweenayda oo 25 jir ah, isla markaasna la xiray saddex ruux. Waaa dhacdadii u dambaysay ee la xiriirta weerarro badan oo ay hurinayaan warar la isla dhexmaray oo sheegaya in carruurta laga afduubto caasimadda iyo gobollada ka ag dhaw. Sannadkii horana arrimo sidan oo kale ah ayaa dhacay oo dad kala duwan ayaa la garaacay ama la dilay ka dib markii la isla dhex maray warar aan sal lahayn oo sheegaya in carruur la afduubtay. Muuqaal laga duubay dhacdada ayaa muujinaysa haweenay ay ku hareeraysan yihiin koox dad ah, kuwaas oo la maqli karo iyaga oo ku eedaynaya in ay carruur afduubanayso ka dibna garaacaya. Dacwadaha ugu badan ee arrintan la xiriira waxaa laga diiwaan galiyay gobolka Uttar Pradesh oo xad la leh magaalada Delhi. ""Ugu yaraan 46 dhacdo ayaa la diiwaan galiyay tan iyo 29 Agoosto, dhammaantoodna looma helin caddaymo muujinaysa in carruur la afduubanayay,"" sidaas waxaa Twitterka ku soo qoray OP Singh oo ah agaasimaha guud ee booliiska. ""Waxaan dadka ugu baaqaynaa in aysan rumaysan wararka aan waxba ka jirin ee la isla dhexmaro sida kan oo kale. Haddaad shakido wac booliiska adigoo ka heli kara taleefanka lambarkiisu yahay 100 ama baraha bulshada kala xiriir,"" ayuu intaas ku sii daray. Degmada Ghaziabad oo ku taalla duleedka magaalada caasimada ah ee Delhi lix dhacdo oo arrimahan la xiriira ayaa laga diiwaan galiyay bishii Agoosto. ""Mid ka mid ah dhacdooyinka, waxaa la weeraray ayeeyo wadata canug ay ayeey u tahay, sababta ay dhibaatadaas ku mutaysatay waa in ay kala duwanaayeen midabkeeda iyo midka canuga ay ayayda u tahay,"" ayuu yiri Neeraj Jadaun oo ah taliye sare oo ka tirsan booliiska, wuxuuna intaas ku daray in la xirxiray dhammaan dadkii looga shakiyay dhacdadaas. Inkastoo arrimo noocan oo kale ah laga soo sheegay Hindiya oo dhan, haddana ma cadda in afduubka carruurtu uu soo badanayo. Wararka la isla dhex maro ee sheegaya carruurta la afduubtay waxaa inta badan lagu faafiyaa, fariimaha gaagaaban ama WhatsApp, sida ay wararku sheegayaan. Masuuliyiinta ayaa dadka ugu baaqaya in aysan rumaysan fariimaha noocaas ah ee sheegaya in carruur la afduubtay, waxayna intaas ku dareen in aysan wali arkin muuqaal ama fariimaha la isla wadaagayo oo si dhab ah ula xiriira canug la afduubtay." https://www.bbc.com/somali/war-49561127 +health Ma ku riyootaa coronavirus? kaligaa ma tihid! "Muddo labo toddobaad ah ayaa kasoo wareegtay markii xayiraadda lagu soo rogay Philippines. Elleisha Angeles oo 19 jir ah waxay sheegtay inay ku riyootay iyadoo isbitaal ku jirta. ""Waxaa la joogay saqda dhexe xilli uu dhaqtar qalliin iiga sameynayay gacanteyda, waxaan kasoo baxay guriga aniga oo leh hal gacan xilli uu dhakhtar ila socday,"" ayay tiri Elleisha Angeles. Habeen kale, waxay ku riyootay inay ka luntay lacag ay iyadu laheyd iyo Laptop. Elleisha oo kaliya ah kuma koobno riyada xilli dunida ka taagan yahay dhibataada ka dhalatay coronavirus marka waxay dadka ku riyoonayaan cudurlka. Dad badan ayaa kusoo warramay in habeeno badan ay ku riyoodeen cudurka xilli coronavirus uu ku faafay in ka badan 175 dal, waxaana dadka saameeyay xayiraadaha ka dhashay ka hortagga cudurka. Deirdre Barrett oo ku takhasustay cilmu-nefsiga barana ka ah jaamacadda Harvad ee dalka Mareykanka oo ku howlaneyd uruurinta riyooyinka dadka inta uu dunida ku baahay cudurka laga bilaabo bisha March waxay sheegtay in welwelka uu horseeday in dadku ay riyoodaan. Sahan ay sameysay wuxuu muujinayaa in dadka qaar ay riyadooda la xiriirinayeen welwel ku dhacay ""kaddib markii ay daawadeen filinkii saadaaliyay cudurka ee Contagion, waxay ku riyoodeen inay qabaan xannuunka Covid-19."" ""Waxaan dareemay in naqaska uu igu dhagayo iyo xannuun, aniga oo indhaheygu aragooda uu noqday mid liita, marka waxaan ogaa in aan dhimanayo"". Deirdre waxay horey daraasad ugu sameysay dhacdooyin naxddin badan dhaliyay sida weerarkii 9/11-kii ee lagu qaaday Mareykanka, Ciidammadii Britain ee ku sugnaa xabsigii dagaalka ee Naaz-yiinta. Sida ay sheegtay, dhibaatooyinka dagaallada waxaa lala xiriiriya riyada balse dhibaatada ka dhalatay safmarkan ayaa ah mid ka duwan. ""Waa cadow aanan muuqan, waxay ka mid tahay hadallada sarbeebka ah ee ku saabsan fayrska,"" ayay tiri Deirdre Barrett. ""Waxaa jirtay in dad badan ay ku riyoodaan iyagoo dhex jiifa dhiiqo, ama duufaanno dhex dabaalanaya ama dhulgariir"". Charlie oo ku nool England wuxuu ku riyooday caara-caaro weyn oo sarriirta ugu soo fuushay. ""Waxaan mar ku riyooday, caara-caaro weyn oo sarriirta igu soo fuuleysa, wuxuu xajmigeedu la dhanaa sida bisadda... waxaan ka cararay guriga si aan uga badbaado caar-caarada"" Charlie wuxuu sidoo kale sheegay in xilliga uu riyoodo ay tahay marka uu guriga joogo. Deirdre Barrett oo ku takhasustay cilmu nefsiga waxay sheegtay in arrintani ay ugu wacan tahay in dadka ay sexdaan waqtiyo badan mararka qaarkoodna aysan ku kicin qeylida teleefoonkooda. ""Dadka qaar waxaa loo diiday inay hurddaan maadama ay shaqeynayaan saacado badan ama waxay dhibaata ka heysataa dhanka qoyska, waxaa laga yaaba in niyaddooda ay arrimaha kusoo dhacaan xilliga hurddada"". Qof kale oo ku xusan sahanka ay sameysay Deirdre Barrett wuxuu sheegay in maalin uu riyooday xilli uu la joogay asxaabtiisa. ""Waxaan la sheekeysanay saaxibadeyda, waxaan durbadiida maqlay dhawaaq xooggan, waxaan hawada sare ku arkay qalab weyn oo hadba dhinac hawada u maraya, kaas oo beegsanaya dadka. ""Waxaan isku dayay in aan baxsado xilliggaas oo aan dhuumaaleysi ku jiray."" Luigi De Gennaro, oo daraasad ku sameynaya riyada shacabka Talyaaniga xilliggii uu cudurka Covid-19 ka dilaacay dalkaas ayaa ogaaday inay sare u kaceen dhacdooyiinka la xiriira arrintani. Deirdre Barrett waxay sheegtay in hurado yarida uu horseedo welwelka. Waxay arrintani dhalisaa in qofka uu marar badan hurddada ka soo kaco. Xilliga qarowga jirka qofka waxaa ku dhacayaa isbeddal dhanka neefsiga ah iyo dhanka qulqulka dhiigga, jirka wuxuu noqonaya mid shaqadiisa joojiyay oo curyaamay, waxay dhacdaa riyadan marka aad 90 daqiiqo hurdada ku jirtay. Marka qofka haddii uu soo kaco marka uu qarwayo wuxuu soo xusuusan karaa waxyaabihii uu ku riyoonayay. ""Riyada waxay falcelin uu ku dheehan yahay u tahay cudurka safmarka ah, waxaan goob joog u nahay tirada dadka riyoonaya oo sare u kaceyso xilliggan lagu gudo jiro dhibaatada"" ayay tiri. Niamh Devereux, oo ku nool magaalada Dublin ee Ireland ee UK waxay sheegtay in reer-aakhiraad ay ku aragtay beerteeda xilli ay ku sugneyd munaasabad ka dhaceysay gurigooda. ""Waxay aheyd dhacdo naxddin badan, reer-aakhiraad ayaa nala wareegay."" Khuburrada waxay isku raaceen in dhacdooyinka maalinlaha ah ee uu la kulmo bani'aadanka ay sameyn toos ah ku leeyihiin riyada, waxay tani u horseedeysaa dadka safka hore kaga jiro dagaalka ka dhanka ah cudurka halista ah inay qarwaan. Talyaaniga wuxuu dhawaan ansixiyay qalab la soconaya dadka la kulmay kuwo uu ku dhacay cudurka si looga hortaggo fiditaanka coronavirus. Carlotta waxay riyadeeda u gudbisay website la yiraahdo Idreamofcovid oo baahiyo waxyaabaha ay ku riyoodeen dadka xilliga xayiraadaha looga hortaggayo Covid-19. ""Dadku way kala fogaanayaan iyagoo aan is gacan qaadeyn... waxaan ka walaacsanahay in dhibaatada ka dhalatya cudurka ay dadka ku riyoodaan"", ayay tiri Erin Gravley oo aan aheyn dhakhtar iyo cilmi baare toona. Walaasheed waxay dadka ka caawisaa in sharraxaad ay ka bixiso riyada ay usoo gudbiyaan ka hor inta aan la daabicin. Erin waxay ku rajo wen tahay in mashruuca uu lagu qabto riyada dadka xilligan uu dunida ka taagan yahay safmarka coronavirus. Waxaa jiraa dadaallada diiwengelinta riyada dadka ku nool kala bar Mareykanka- gaar ahaan magaalada New York, halkaas oo ka mid ah meelaha laga soo tebiyay kiisaska ugu badan ee cudurka. Haweeney ku nool Mareykanka ayaa sheegtay ""in ay ku riyootay iyadoo kaxeyneysa dooni xilli ay sigtay duufaan xooggan oo ka jirtay halkaas. ""Waxaan isku dayay in aan ka badbaado duufaanta, duufaanta ayaa cirka isku shareertay, waxay igu tuurtay dhinaca xeebta, waxaan arkay dhagaxaan horteeyda, waxaan is arkay aniga oo soo jeeda"". ""Waxaan garwaaqsaday in riyada duufaantii u horreysay uu ahaan cudurka Covid-19 halka tan labaad ay aheyd isbaddalada cimilada"". Waxay u muuqataa in qof kasta uu ku riyooday riyo xun xilligan lagu gudo jiro safmarka corona balse arrinta sidaas kaliya ah ma ahaan. ""Waa arrin murugo leh balse waxaa jiraa dadka ku riyooday riyo wanaagsan, dadka qaar waxay arkeen duni in aysan ka jirin hawo wasakaheysan ama in feyraska dawo loo helay"", ayay tiri Deirdre Barrett. Neeru Malhotra oo ku sugan magaalada New Delhi ayaa sheegtay in tan iyo xayiraaddii lagu soo rogay Hindiya ay ku riyooneysay iyadoo ku dhex raaxeysanays huteel casri ah xilli ay farxad dareemeysay." https://www.bbc.com/somali/war-52440377 +health Cayilka canjirada ayaa ka fiican xulusta caloosha "In canjiradaha iyo lugaha aad ka cayisho ayaa ka fiican in aad calool yeelatid sida lagu sheegay daraasad cusub. Cayilka lugaha ayaa la sheegay in dumarka uu ka hortagi karo xanuunada wadnaha, sida lagu sheegay daraasad lagu soo daabacay majaladda European Heart Journal. Balse waxaa la sheegay in daraasado dheeraad ah loo baahanyahay in la ogaado xiriirka ka dhaxeeya labada arrimood caafimaad ahaan. Illaa 2600 dumar ah ayaa ka qeybqaatay daraasadda lagu ogaaday natiijada xulusta iyo canjirada. Seeynisyahanada ayaa haddaba og nooca xeerta ah ee ku kaydsan caloosha, taas oo ay sheegeen in ay horseeddo xanuuno la xiriira macaanka iyo kuwa wadnaha. Waxaa la sheegay in sifooyinka aan wanaagsanayn ee loo noolaado ay ka qeybqaadan karaan in xeerta caloosha ay sii kororto. Dr Sonya Babu-Narayan oo ka tirsan mac-hadka wadnaha ee Britain ayaa tiri ""Daraasadda waxa ay shaaca ka rogtay xiriir xiiso badan oo ka dhaxeeya hal xeerta ay ku kaydsantahay iyo halista xanuunada wadnaha, balse ma ahan mid aan sheegi karno sababta"". ""Daraasadaha mustaqbalka ayaa sheegi doono sababta, iyo sida ugu wanaagsan ee caafimaad qab loogu noolaan karo"". ayay intaas sii raacisay." https://www.bbc.com/somali/war-48826382 +health Faransiiska oo balaariyay bandowgii dalka saarnaa xilli xaaladaha korona ay cirka isku sii shareerayaan Faransiiska ayaa bandowga habeennimo kusoo rogi doona magalooyiin dheraad ah si wax looga qabto faafitaanka cudurka coronavirus, sida uu sheegay ra'iisul wasaaraha dalkaasiJean Castex. ''Cudurka ayaa mar labaad soo laba kaclayay'' ayuu yiri ka hor inta dalkiisa uusan diiwan gelinin 41,622 kiis oo cusub. Bandowga habeenimo ayaa waxaa uu bilaaban doona 9-ka habeenimo ilaa 6-da Aroornimo waxaa uuna dhaqangeli doona habeenki jimcaha iyadoo uu saameyn ku yeelanayo 46 malyan oo qof. Wadamada kuyaala qaarada yurub waxay la daalaa dhacayaan heerka infekshinka oo sii kordhaya. Sida wadamada Faransiiska, Spain iyo Talyaaniga. ''isbuucyadda soo socda aad ayay u adkaan doonan iyadoo tirada dhimashadana ay sare u kici doonto,'' ayuu yiri Mr Catex mar uu la hadlayay warbaahinta maalinkii khamista. Afar iyo labaatanki saac ee lasoo dhaafay Faransiiska waxaa uu diwaangeliyay ku dhawaad 162 kiis. ''hadii aanan waxba ka qabanin sfamarkan, waxaanu wajihi doonan xaalad aad u adag saas awgeed marka waa in aan talaboyiin dheraad oo adag aan la imaana,'' ayu yiri. Waxaynu haysanaa wakhti aan wax uga qabn karno arrinkan isla markana wakhti dheraad haddana ma hayno,'' ayuu yiri Raisal wasaare castex. Haddalka Ra'isal wasaaraha ayaa kusoo aadaya wax ka yar muddo isbuuc ah kadib markii bandhaw lagu soo rogay gobolka Paris iyo sided magaalo oo kale sida Marseille,Lyon iyo Toulouse. Haatan xayiraadahan waxaa lagusoo rogi doona 38 deegan oo kale iyo sidokale degaanka faraaansiika maamulo sida Polynesia waxaa uuna bandhawgaas socon doona muddo lix isbuuc ah. Bandowga habeenimo ayaa waxaa walaac ka muujiyay dadka hoteelada ka ganacsado kuwaas oo markii horeba la dhaladhacay suuq xumi kadib laba bilood oo bandhaw ah oo dalkaasi kasoo baxay. Madaxweyne Emmanuel Macron waxaa uu sheegay inay ka taxdarayaan in cisbitaalada la buuxdaafiyo saas awgeedna ay sameynayaan wax walbo oo arrintaasi looga hortagayo Faransiiska waxaa uu diwaangeliyay wax kabadan 20-kun oo kiis oo cusub lixdii maalmood ee aynu soo dhaafnay halka tirada guud ee dadka cudurkaasi ku dhacayna ay hadda gaartay hal malyan oo qof. https://www.bbc.com/somali/war-54655532 +health Daraasad: Kaniiniga paracetamol-ka oo la ogaaday inuu hoos u dhigo awoodda raganimada "Daraasad cusub oo shaaca laga qaaday ayaa lagu sheegay in kiimikooyin dhowr ah oo soo gala jirkeenna, sida maaddada bisphenol A (BPA) iyo sunta dioxin, kuwaasoo ku jira waxyaabaha aan sida joogtada ah u isticmaalno, ay sababaan inay hoos u dhacdo tayada awoodda raganimada. Cilmi baaristan, oo lagu daabacay Majalladda ""Environment International"", ayaa lagu baaray ilaa 9 kiimiko oo sidoo kale uu ka mid yahay xanuun baabi'iyaha sida wayn loo isticmaalo ee paracetamol-ka. Waxaa kale oo kiimikooyinkan ku jira maaddada phthalate ee loo adeegsado jilcinta waxyaabaha ay ka mid yihiin caagagga biyaha lagu shubto. Khubarada ayaa sheegay in isku darka kiimikooyinka ay ka kooban yihiin walxahan ay saamayn ku yeeshaan habka ay u shaqeeyaan unugyada taranka ragga ayna yareeyaan awoodda shahwada. Daraassaddan, oo markii la sameynayay la isticmaalay kaadi laga qaaday 98 nin oo ay da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 30 sano oo ku nool dalka Denmark, ayaa lagu ogaaday in kiimikada ugu halista badan ay tahay maaddada BPA oo loo isticmaalo qalab badan oo ay ka mid yihiin caagagga biyaha lagu shubo, caanaha warshadeysan iyo konteenarrada yar yar ee raashinka lagu qaato. Cilmi baaristan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in unugyada taranka ee ragga ay billowdaan marka ay wali ku jiraan uurka hooyada. Sidaas awgeed waxay saamaynta soo gaari kartaa haweenka uurka leh ee sida carruurta labka ah. Cilmi baareyaasha dabagalka ku samaynayay tayada shahwada ragga aya amuddo dheer ka hor fahmay in uu jiro hoos u dhac. Sanadkii 2017-kii ayaa wargays ka faallooda taranka bani'aadanka lagu daabacay natiijada 200 oo daraasadood oo laga sameeyay Waqooyiga Ameerika, Yurub, Australia iyo New Zealand, taasoo lagu ogaaday in tirada unugyada taranka ragga ay yaraatay 50% muddadii 40-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay gudaheeda. Taas waxaa sii dheereyd in dhakhaatiirta khubarada ah qaarkood ay sheegeen in haddii hoos u dhaca uu sii socdo uu samayn ku yeelan doono kororka tirada dadka caalamka. Waxay saynisyahannadu hoosta ka xariiqeen in arrintani ay kusii darsantay cudurrada ku imaada galmada oo muddooyinkii dambe aad u batay. Daraasadda ugu dambaysay oo ay isbuucii lasoo dhaafay daabaceen dhakhaatiir iskaashaday oo ka kala socday UK iyo Denmark, ayaa muujisay in kiimikooyinka saamaynta ku yeesha unugyada taranka ay hadda yihiin waxa ugu wayn ee walaaca keenaya. Sida uu qoray wargayeska ""The Guardian"", Barfasoor Andreas Kortenkamp oo ka tirsan Jaamacadda Brunel ee waddanka England, oo daraasaddan ka shaqeynayay tan iyo markii la billaabay, ayaa sheegay in natiijada ay ahayd mid lama filaan ah, ayna aad ula yaabeen khatarta ay leeyihiin kiimikooyinka la baaray. Dhammaan khubarada ku xeel dheer cilmigan iskuma wada raacsana natiijada kasoo baxday daraasaddan cusub ee la shaaciyay. Waxaa jira qaar aan la dhacsanayn, oo sheegay in hoos u dhaca tayada taranka ragga ay sabab u yihiin waxyaabo kale oo aan ahayn kiimikooyinka lagu xusay daraasadda. Kuwo kalena waxay sheegeen in kiimikooyinka liiska daraasadda ku jira ay yihiin kuwo xaddidan oo ka yar tiradii loo baahnaa in la baaro. Intaas waxaa sii dheer inaan ilaa hadda la ogayn inta ay la egtahay khatarta ay dumarka ugu jiraan kiimikooyinka loogu kuur galay daraasaddan." https://www.bbc.com/somali/war-61776766 +health Dexamethasone iyo cudurka Corona: Maxay tahay dawadan, sideyse ula dagaalantaa cudurka corona? "Dawadan lagu dabiibo caabuqayada ee lagu magacaabo dexamethasone waxaa lagu tilmaamay inay horseedi karto daweynta bukaannada la xanuunsanaya ee sida weyn uu u hayo cudurkan Covid-19. Tijaabo lagu sameeyay UK ayaa muujinaysa in dawadan ay nolosha dadka badbaadin karto, islamarkiina lagu isticmaali karo isbitaallada dalkaasi ee NHS. Dexamethasone waa dawo raqiis ah oo la isku duro ama kaniini la liqo - oo dajisa caabuqyada ka dhasha hurmuunaat-ka ama difaaca jirka. Dawadu waxa ay hoos u dhigtaa hannaanka difaaca jirka. Fayraska korona ayaa waxa uu kiciyaa caabuq xilli jirku uu iskudayayo inuu iska difaaco. Hasayeeshee mararka qaar hannaanka difaaca ee jirka ayaa aad u falceliya, falcelintaas ayeyna dhibaato ka dhalan kartaa oo unugyadii loogu talagalay inay jirka caabuqa ka difaacaan ayaa marka dambe waxa ay dib u soo weerraraan isla unugyadii jirka. Dexamethasone waxa ay dajisaa saameyntaas. Dawadan waxaa la siin karaa oo kaliya dadka isbitaallada ku jira ee ay ku xiran yihiin qalabka iyo mishiinnada lagu neefsado, dadkaasna waa dadka liita. Dawadan laguma dabiibi karo dadka aanay xaaladooda cuslayn, in xilligan awood badan la saaro hannaankooda difaacana ma caawin doonto bukaannadaas. Saynisyahannada tijaabinayay dawadan ayaa sheegaya in ay wax weyn ka tareyso yareynta bukaannada la ildaran xanuunka oo saddexdii qof ee qalabka neefsiga u baahan ay suurtagal tahay in midkood uu ka badbaado haddii la siiyo dawadan. Halka bukaannada ogsijiinka lagu xiray mid ka mid ah shantiiba ay badbaadin karto. Tijaabada la sameeyay ayaa lagu ogaaday in wax weyn aysan u tarayn dadka caadiga u neefsanaya. Tijaabadani oo ay sameysay Jaamacadda Oxford ayaa lagu eegayay in dawooyinka xanuunnada kale loo isticmaalo lagu tijaabiyo cudurkan Covid-19. Qiyaastii 2,100 qof oo ah bukaanno la xanuunsan cudurkan ayaa maalintiiba la siinayay 6mg oo ah dawadan dexamethasone muddo toban maalmood ah. Bukaannadaasi ayaa la eegayay soo kabashadooda marka loo eego 4,300 oo bukaanno kale ah oo aan dawadaasi la siin. Saynisyahannadu waxay rajeynayaan in mustaqbalka dawadan dexamethasone ay qayb ka noqon karto dawooyinka lagula tacaalo cudurkan. Haatan waxay khubaradu ku talinayaan in lagu daweeyo bukaannada qaangaarka ah ee la xanuunsan cudurkan balse laga ilaaliyo dumarka uurka leh iyo kuwa naas nuujinaya dhallaanka. Dawada dexamethasone waa dawo qiimo jaban oo markii horeba dunida laga isticmaalayay, helideedana ay sahlan tahay. Dowladda ayaa waxaa ay sheegtay in keyd fiican oo daawadaas uu haatan yaal, laguna daweyn karo dad gaaraya laba boqol oo kun oo qof, kaddib markii lagu guuleystay tijaabadii lagu sameeyay. Dalka Ingiriiska, waxaa bukaankii ba uu uu ku iibsna karaan lacag dhan lix gini, daweynteedana ay qaadan karto muddo toban cisha ah. Daawadan ayaa markii ugu horreysay la sameeyay sanadkii 1957, waxaana dalka Britain laga isticmaalay sanadkii 1960. Shirkado badan oo dunida ayaa sameeya, waana taas sababa looga helo meela badan oo dunida ah. Tallaabadan waxay u wanaagsan tahay dalalka soo koraya ee adduunka, waxaana soo dhaweeyay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Wakaaladda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa sheegtay in dawadaas lagu daray liiska dawooyinka aanan laga dhofin karin Ingiriiska. Dawadu waxa ay kaa caawin kartaa daweynta cudurro kala duwan ee la xiriira caabuqa ama bararka jirka, ama xaaladaha habka difaaca jirku uu u bato - tusaale ahaan, neef aad u daran oo sababi karta caabuq ku yimaada marinnada hawada iyo sambabbada, xasaasiyad daran ama kalagoysyada oo barara. Dawadan dexamethasone caadiyan waxyaabaha ay sababi karto waxaa ka mid ah walaac, hurdada oo qofka ku adkaata, culayska oo qofka ku kordha iyo waxyaabo kale. Waxyeelooyinka dhifta ah waxaa ka mid ah xanuunnada indha, aragga oo xumaada iyo dhiigfuran. Si kastaba ha noqotee, bukaannada coronavirus waxay u baahan yihiin oo keliya qiyaas yar oo xadidi karto waxyeelooyinka ay leedahay. Sarkaalka ugu sareeya caafimaadka England wuxuu yiri ""ma jiraan waxyeelloyin xad-dhaaf ah oo loo aqoonsaday isticmaalka qiyaas ka mida dexamethasone oo bukaanka ay gaadhsiin karto""." https://www.bbc.com/somali/war-53089579 +health Coronavirus: 'Ninkii aan lix bilood ka hor is guursannay dhakhtarka ayuu aaday mana uusan soo noqonin' "Maalin uun ka dib markii ay ka soo laabatay aaska seygeeda, haweeneydan waxay dadka kula talisay inay si adag ugu hoggaansamaan amarka bandowga oo aysan guryahooda ka bixin. Andy Wyness, oo 53 sano jir ahaa, ayaa u geeriyooday Covid-19, 6 bilood uun kadib markii uu la aqal galay xaaskiisa oo 25 sano ay wada socdeen, waxayna makaas ka soo laabteen dalxiis ay u aadeen Wales. Xaskiisa Sandra ayaa dadka ka codsaneysa in aysan jabinin sharciga kala fogaanshaha. Waxay sheegtay in feyraska uu ''albaabada guryaha taagan yahay''. Sandra Wyness, oo 58 jir ah, ayaa sheegtay in seygeeda uu caafimad qabay markii lagu arkayay calaamadaha xanuunka Coronavirus. Waxay sido kale sheegtay inay ku kaftamisay in mar walbo oo dalxiis yar ay aadaan uu ku dhaco qabow ama burukiito. Calamadihii xanuunka ee uu qabay ayaa ka daray, qanadhadii ayaa sare u kacday, qufaciina wuu ku sii xoogeystay, wuxuuna go'aansaday in uu isbitaalka aado oo u dhaqtar la kulmo. Mrs Wyness waxay tiri: ""isaga ayaa gaariga kaxeystay, kadibna waxaa na soo wacday kalkaaliso oo noo sheegtay in ay neefta dhibeyso oo xaaladdisa ay liidato, sidaasi darteedna ambulance la saari doono oo isbitaal kale la geyn doono"". ""Waan ogaa in xaaladiisa ay culustahay."" Markii uu guriga ka baxay si uu dhaqtar ula kulmo ayaa Sandra ugu dambeysay araggiisa. Andy waxa la geeyay isbitaalka dadweynaha ee Wishaw ee ku yaalla waqooyiga Lanarkshire ee dalka Ingriska. Maalintii xigtayna waxaa lagu sheegay xanuunka Covid-19. Shan beri kadib waxaa la geliyay qeybta xaaladda halista ah ee loo yaqaanno ICU-da, waxaa lagu xiray qalabka neefsashada ka caawiya dadka, balse feyraska ayaa la wareegay jirkiisa oo dhan. Mrs Wyness waxay tiri: ""Waan wacayay labo ilaa saddex jeer maalintii balse iima suurta gelin inaan arko. Waxay nala soo xiriireen Khamistii, dhakhtar ayaana noo sheegay inaan isku diyaarino xaalad adag. ''Maalintii Isniinta wuu yara roonaa balse wali wuxuu u baahnaa qalab ka caawiya neefsashada. Waxay ila soo xiriireen 6-dii galabnimo, waxayna ii sheegeen in ay xaaladdiisa la tacaaleen oo qandhadiisa la dejin waayay, oxygen-na ay ku xireen oo ay caawin waysay. Waxay i weydiyeen in uu qof ila joogo, labo daqiiqo kaddibna waxay ii sheegeen in uu geeriyoday isagoo ay ag fadhiyaan labo kalkaaliyayaal."" Mrs Wyness waxa la siiyay fursad ah in ay seygeeda la joogto balse ay ka fogaato 2 mitir ayna xirato qalabka la'iskaga difaaco cudurka. Sidoo kale markay ka baxdo isbitalka la karantiili doono ugu yaraan labo toddobaad. Waxay dooratay inaysan aadin, iyadoo sheegtay inay tahay wax uusan ku qanci lahayn isaga. ""Ma usan qabin cudurrada dadka qaba ay halista ugu jiraan u dhimashada coronavirus. Laakiin dhiig kar yar ayuu qabay. Wax kale ma usan qabin. Andy wuxuu ahaa nin dad badan oo wuxuu u shaqeyn jiray dowladda hoose ee North Lanarkshire, wuxuuna ahaa aabe iyo awoow la jecelyahay. Balse waxaa loo oggoladay 10 ka mid ah qoyskiisa oo kali ah inay ka qeyb galaan aaskiisa. ""Waxaan ahayn 10 ruux oo kali ah, dadkana inay isoo hor istaagaan way ku adkeyd oo ay igala hadlan arrimaha tacsida,"" ayey tiri Mrs Wayness. Waxay rajeyneysaa mustaqbalka in ay xaflad u qabato boqolaalka qof ee saygeeda taqaannay si ay dhammaantood u xusaan. Waxay sidoo kale rajeyneysaa in dadka haddii ay akhristaan sheekada qoyskeeda ay si wanaagsan uga fikiri doonaan inta aysan jabinin talooyinka khubarada caafimaadka iyo amarrada dowladahana. Waxay tiri: ""Waxaan filaayay in Andy uu albaabka u soo gali doono sidii uu markii horeba uga baxay. Waxay intaasi ku dartay in ''dadka aysan ogeyn halka uu feyraska ka jiro oo xita qofka ku ag fadhiyo laga yaabo in uu qabo, sidaas awgeedna kali ahaanshada iyo kala fogaanshaha ay muhim tahay."" Haweeneydan ayaa sheegtay inay ka qoomameyneyso sababta ay dhaqso isku guursan waayeen walow uu arooskooda dhacay bishii October iyagoo isla noolaa muddo 25 sano ah. Waxay ogaadeen in noolasha ay qiimo leedahay. Waxay tiri: ""Waxaan jelaan lahaa inaan aragno mar hore, si aan dhaqso u aqal galno''. ""Tan iyo intaan is guursannay wuxuu maalin walba igu dhihi jiray, maalintii arooskeenna waxay ii ahayd maalintii iigu farxadda badneyd dunida.""" https://www.bbc.com/somali/war-52445716 +health Maxaad kala socotaa heerka uu marayo feyriska Corona ee qaaradda Afrika? "Isku celcelis ahaan heerka kiisaska cudurka Corona ee qaaradda Afrika ayaa hoos u dhacay toddobaadkii aanu soo dhaafnay, sida ay sheegtay xarunta Afrika ee xakameynta iyo ka hortaga cudurada. Kiisaska guud ahaan qaarada maalinkii isku celcelis ahaan waxay ahaayeen toddobaadkii aanu soo dhaafnay 10,300, taasi oo ka hooseysa toodobaadkii ka horeeyay oo maalinkii qaaradda laga diiwaangalinayay 11,000. Agaasimaha xarunta xakameynta cudurada Dr John Nkengasong, aya waxaa uu sheegay in ay jirto""caalamad muujinaysa rejo"". Guud ahaan qaaradda Afrika waxaa uu feyriska Corona haleelay dad gaaraya 1,147,369 qof islamarkana kala bar dadkaasi waxay ku nool yihiin dalka Koonfur afrika. Sidoo kale ilaa iyo imika waxaa feyriska ugu dhintay qaaradda Afrika dad gaaraya 26,000. Dr Nkengasong ayaa waxaa uu sheegay in uu ku reja wayn yahay ""in Covid-19 uu bilaabay in uu si tartartiib ah hoos ugu soo dhaco"". Balse waxaa uu intaa ku daray ""waaa xilli hore sababtoo ah waxaan la tacaalaynaa feyris si xawli ah ku faafa "". Agaasimaha xarunta xakameynta cudurada Dr John Nkengasong, ayaa ugu baaqay dadka qaaradda in ay sii wadaan dadaalaa ay uga hortagayaan feyriska, gaar ahaan in dadka ay xirtaan qalabka afka lagu xirto. Marka qaaradaha kale ee caalamka loo barbar dhigo ayaa waxaa qaaradda Afrika aad u hooseysa tirada cudurka u dhimatay. Dalka Koonfur Afrika oo ah dalka uu sida ba'an u saameeyay feyriska ayaa waxa laga diiwaangaliyay 596,060." https://www.bbc.com/somali/war-53830904 +health Halis caafimaad oo ku soo fool leh dadka cusbada badan isticmaala "Dadka cuntooyinka ay u cunaan cusba badan ku dara ayaa la sheegay iney halis ugu jiraan dhimasha degdeg ah. Natiijada Daraasadda oo lagu daabacay wargeyska 'European Heart' waxaa ka qayb qaatay in ka badan nus malyuun qof oo cusbada si joogta ah ugu dara cuntooyinka ay cunaan. Waxayna daraasaddu sheegtay dadka cusbada badan cuntada ku darsada iney 28% ay halis ugu jiraan dhimasho degdeg ah marka loo eego dadka cusabada aan badsan ama aan isticmaalin. Waxaa kale oo daraasaddu sheegtay dadka ay da'doodu 50 jirka iyo wixi ka sarreeya halista ay cusbada ku keento ay sii laba jibbaarmeyso. Barafasoor Lu Qi, oo daraasaddaasi hoggaaminayey ooMareykanka ku sugan wuxuu sheegay isticmaalka cusabada oo la yareyo iney leedahay faa'idooyin caafimaad oo la taaban karo. Guud ahaanna 3 ka mid ah boqolkii qof oo ay da'doodu u dhaxeyso 40-69 waxay cusabada badan ku keentaa geeri degdeg ah. ""Cuntooyinka aan cuneyno iney cusbo ku jirto wey wanaagsan, balse dhibka wuxuu ka imanayaa marka aan cusba badan isticmaalno taasoo keeni karto dhiig kar iyo wadna xanuun qofka asiiba,"" ayey Chloe MacArthur oo ah kalkaaliso sare oo ku takhasustay cudurrada wadnaha ku dhaca oo ka howlgasha dalka Britain. Daraasadduna waxay dadku kula talineysaa iney aad uga taxaddiraan xaddiiga cusbada ay cuntooyinka ku darsanayaan si ay caafimaadkooda u ilaashadaan. ""Dowladuhu wuxuu xil ka saaran yahay iney dadka ka wacyigelinayaan cusbada badan ee cuntooyinka lagu daro caafimaad darrada ka dhalan karto,"" ayuu Henry Dimleby oo ah khabiir cunnooyinka ku takhasusay. Cusabadu caafimaadka jirka waxtar badan ayey u leedahay taa caksigeedana cusbada badan ee jirka gasho waxaa laga dhaxlaa caafimaad darro. ""Cuntada haddii ay cusbo ku jirin qofka wuu dhibsanayaa inuu si wanaagsan uu u qaato carrabkana macaanka cuntada ma daremayo hase yeeshee cusbada badan dhanka caafimaadka laguma ammaanin."" ayuu yiri Barafasoor Yihune Ayele oo Jaamacadda Dillaa wax ka dhiga takhasuskiisana yahay cuntooyinka caafimaadka qaba. Cusbada waxaa ku jirta maaddada Sodium. Sodium haddii uu jirka ku batana wuxuu keenaa iney biya badan ay galaan xididdada dhiigga wada. Haddii xididdada dhiigga wada ay biya badan galaan waxaa halkaasi ka dhalanaya dhiig kar maadaamaa socodkii caafimaadka qabay ee dhiigga uu sodium-ka jirka ku batay uu khalkhal galinayo. Dhiig karka dhibaatada uu leeyahay waan ka wada dharagsannahay waxana ka mid ah qofka oo madaxa ama wadnaha dhiig uga murmo, faalug (qofka oo dhinaca qallalo) iyo caafimaad darro soo wajahdo kalliyaha iyo wadnaha. Hay'adda Caafimaadka Addunkana ee WHO waxay sheegeysaa qofka qaangaarka ah inuu maalinti isticmaalo wax aan ka badneen 5 garaam oo cusbo ah. Bulshooyinka kala duwan cusbada waxay ku daraan cunta kasta oo ay karsadan iyaga oo aan u aaba yeelin xaddiga cusbada ay isticmaalayaan iyo dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta intaba. Waxayna Khubaradu ku talinayaan inaan aad u yareyno cusabada aan maalinti isticmaalno si cudurrada cusbada ka dhalan lahaa aan uga gaashaamanno." https://www.bbc.com/somali/articles/cn43992qel8o +health Aabbihii digirta: Ilaa aad gasacan furto, raashin ma cuneysid "Aabbe ku nool dalka Mareykanka oo ku faanay xirfaddiisa aabbenimada kaddib markii uu gabadhiisa oo sagaal sano jir ah ku qasbay inay furto gasaca digirta haddii kalena aysan raashin cuni dooni ayaa caro ka abuuray baraha bulshada. Lix saacadood kaddib gabadha ayaa ku guuleysatay inay furto gasaca waxaana ugu dambeyn loo oggolaaday inay raashin cunto, ayuu ku sheegay qoraal haatan la tirtiray oo uu soo dhigay barta Twitter-ka. Aabbaha, oo barnaamij soo jeediye ah ayaa sheegay inay arrintaasi tahay guul ""waalidnimo wanaagsan""ah. Balse waaliddiinta kale ayaa ku eedeeyay dayacaad, halka kuwo kalena ay sheegeen inuu abuuray sheekada si uu isugu soo jeediyo indhaha dadka. Dadka isticmaala barta Twitter-ka ayaa ninkan u bixiyay ""aabbaha digirta"" iyadoo dhacdadaasi ay dood kulul ka abuurtay baraha bulshada, halkaas oo qaabka ay waalididintu ula dhaqmaan carruurtooda ay mar walba muran sababto. John Roderick, oo sidoo kale ah fannaan, ayaa sheekadan Sabtidii ku soo wadaagay Twitter-ka, isagoo sheegay in fekerka uu ku soo dhacay markii ay gabadhiisa weydiisatay inuu sameeyo digirta duban. Kaddib markii ay u keentay qalabka lagu furo iyo gasaca digirta, wuxuu weydiiyay sida ay ugu fekertay in qalabkan lagu furi karo gasaca, ayuu yiri. Markii ay u sheegtay inaysan aqoon, wuxuu yiri ""inaan wax baro ayaa niyaddeyda ku soo dhacday"". Wuxuu sheegay inuu aad ugu farxay, isla markaana uu doonayay inay gabadhiisa barato sida loo furo gasaca digirta, wuxuu sheegay inay isku dayeysay muddo lix saacadood ah. ""Agteyda ayay fadhisay iyadoo la daalaa dhacaysa inay furto. Waxaan dhihi karaa edbintaas inay tahay waxa ay u riyaaqday. Waan ogaa inay tani caqabad noqon doonto,"" ayuu yiri. Markii dambe way furtay gasaca wayna cuntay digirta, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Qoraallada Twitter-ka ayay si degdeg ah dadku iskula wadaageen iyadoo ay dad badan cambaareeyeen arrintaas, iyagoo sheegay inay tahay waalidnimo aan fiicneyn. ""Waxaan dareemayaa inay tahay wax qiimo badan in carruurta la baro inaysan dunida keli ku ahayn oo aysan ceebna ahayn inay dadka kale weydiistaan caawinaad iyo taageero,"" ayuu qoraalkiisa ku yiri weriyahawrote journalist Jason Schreier. Qof kale ayaa sheegay in habka waalidnimada ee Mr Roderick ay tahay wax lala yaabo, oo ay ahayd inuu gabadhiisa raashin siiyo, kaddibna uu baro sida loo furo gasaca digirta. Dad dhowr ah ayaase ku raacay casharka uu Mr Roderick sheegay inuu baray gabadhiisa. ""Tan waxay carruurta bareysaa isku tiirsanaan iyo korriimo shakhsiyadeed. Wax khalad ah ma uusan sameyn waxayna xaqiiqdii i xusuusineysaa inay fiicneyd inaan sidan oo kale inta badan sameeyo,"" ayuu soo qoray qof kale, halka kuwo kale oo taageero u ah barnaamijkiisa ay sheegeen in sheekadu ay ahayd matalaad oo an run loo qaadan. Mr Roderick kama uusan jawaabin codsiga warbaahinta ee ahaa inuu ka jawaabo cambaareynta loo soo jeediyay balse markii dambe qoraal uu isku difaacayo ayuu sooo dhigay Twitter-ka kahor inta uusan tirin akoonkiisa. ""Lix saacadood waa muddada u dhaxeysa xilliyada cuntada. Qadada oo duhurkii ah iyo cashada oo lixda fiidnimo ah. Waxay iska leeyihiin waa tacaddi ilmaha loo geystay,"" ayuu qoraalkiisa ku yiri. Wuxuu intaas ku daray inuu la yaabay cambaareynta uga timid. Gabadheydu way fiican tahay."" Balse haweeney sheegtay inay macallimad ahayd ayaa soo jeedisay in arrintaasi ay tahay qaab aan habbooneyn oo carruurta wax loo baro. ""Carruurtu waxay si fiican wax u bartaan marka aysan gaajooneynin. Qof walba si goonni ah ayuu wax u bartaa isagoo raacaya qaab u gaar ah (tusaale ahaan caawinaad) waa mid waxtar leh, gaar ahaan marka uu qofku wax la dalaa dhacayo,"" ayay tiri. Sidoo kale qoraa Racheline Maltese ayaa sheegtay in ilmuhu uu bartay casharro aan wanaagsaneyn. Dadka qaar ayaa sidoo kale ku eedeeyay Mr Roderick cunsuriyad, kaddib markii ay baareen qoraalladiisii hore ee Twitter-ka. Si kastaba, ninka ay barnaamijka isla soo jeediyaan oo lagu magacaabo Ken Jennings ayaa difaacay Mr Roderick, isagoo ku sheegay inuu yahay aabbe daryeel badan." https://www.bbc.com/somali/war-55527952 +health Daraasad: 'Dawooyinka ay qaatan ragga ee uurka dumarka looga hortaggo waxay soo hoyiyeen guul' "Baahida loo qabo kaniiniyada ka hortagga uurka ay ragga qaatan ee aan xiriirka la laheyn hormoonka ayaa laga yaabaa inay soo hooyaan guulo isla markaana horseedaan suurtagalnimada ah inay ka hortaggaan in shahwada ay ku dhex dabbaalato gudaha ilmo galeenka hooyada. Daraasado lagu sameeyay jiir ayaa tilmaamaya in kaniiniga uu xakamaynayo shahwada ugu yaraan dhowr saacadood - si looga hortago in ay gaarto ugxanta. Waxaa la qorsheeyay in baaritaanno iyo tijaabooyin badan lagu sameeyo arrintan, waxaa dawadan la siin doonaa bakeylaha ka hor inta aan lasoo gaarsiin banii'aadanka. Wuxuu qorshaha yahay in baaritaan buuxo lagu ogaado arrintani si loo ogaado waxtarka dawooyinka ragga ka hor istaaga inay wax uureeyaan. Fikradda ayaa ah in ragga ay qaadan karaan kaniiniga saacad ka hor galmada. Si ka duwan kaniiniga ay dumarka qaataan ee ka hortagga uurka, kan ragga kuma lug yeesho wax hormoonno ah. Saynisyahanada waxay sheegeen in tani ay tahay mid ka mid ah faa'iidooyinka kaniiniga oo ay baarayaan - meesha kama saari doono maadada testosterone isla markaana wax saameyn ah kuma yeelan doono yareynta hormoonka ragga. Taa baddalkeeda, ""Dabbaasha ay sameyso shahwada"" waxay weecisaa inta badan unugyada astaanta ah ee beegsada borotiinka ee loo yaqaanno adenyl cyclase ama sAC, kaniinigan loogu talagalay inay qaataan ragga si aysan wax u uureyn wuxuu xanibayaa maadada SAC. Daraasad hore oo lagu sameeyay jiirarka, oo ay maalgaliyeen machadyada caafimaadka ee Mareykanka taasoo lagu daabacay joornaalka Nature Communications, hal xabbo oo daawadan ah, oo lagu magacaabo TDI-11861, ayaa xannibtay dabbaasha shahwada xilliga iyo ka dib galmada. Saameynta dawadan waxay socotay ilaa saddex saacadood. Ilaa 24 saacadoodna, waxay u muuqatay mid gebi ahaanba jirka kasii baaba'ayso. Mid ka mid ah saynisyahannadaas, oo lagu magacaabo Dr. Melanie Balbach oo ka socota machadka Weill Cornell Medicine oo ku yaalla magaalada New York, ayaa sheegtay in kaniinigan si fudud loogu adeegsan karo ka hortagga uurka. Haddii ugu dambeyntii uu kaniinigan wax tar u noqdo banii'aadanka, ragga waxay qaadan karaan mar kasta, waxay go'aan ka gaari karaan xilligga ay wax dhali karaan. Khuburrada waxay ka digeen in dawadan aysan ka hortagin cudurrada lagu kala qaado galmada. Professor Allan Pacey, oo ah barafasoor ku takhasusay cudurada ku dhaca ragga oo ka tirsan Jaamacadda Sheffield, ayaa sheegay: ""Waxaa jirta baahi weyn oo loo qabo in la helo kanini ay ragga qaataan oo wax ku ool ah, oo macquul ah, in kasta oo sanadihii lasoo dhaafay la sameeyay baaritaanno dhowr ah oo ku aaddan arrintani, hadana mana jirto daawo lagu guuleystay oo suuqa laga heli karo"". ""Habka halkan lagu sharraxay, ayaa ah in enzyme-ka muhiimka ah ee shahwada laga saaro, waa fikrad gebi ahaanba cusub. Laakiin Xaqiiqda ah in ay wax ka qaban karto, oo dib loo rogi karo, si dhakhso ah waa mid aad u xiiso badan. ""Haddii tijaabooyinkaas lagu sameeyay jiirka si lamid ah loogu sameeyo banii'aadanka lana ogaado waxtarkeeda, waxay dawada noqon kartaa in ragga ay u isticmaalaan inay kaga hortaggaan uurka, waana guul in muddo ah la raadinayay""." https://www.bbc.com/somali/articles/c3g3d6x35zzo +health Hindiya, qofkii '10 geed talaala' ayaa heli kara shatiga hubka "Maamulka gobolka Punjab ee dalka Hindiya ayaa shuruud layaab leh kusoo rogey dadka qaadanaya shatiyada hubka, taas oo ah in qof kasta uu geed beero, markaasi kadibna la siin doono shatiga qoriga uu u baahanayahay. Dadka gobolkan ayaa la sheegay in ay aad u jecelyihiin qoryaha iyo gaadiidka, sidaas darteed guddoomiyaha degmada Ferosepur ninka lagu magacaabo Chander Gaind waxa uu leeyahay ""Sidaas oo kale waa in geedahana ay u jeclaadaan"". Qof kasta waxaa laga rabaa in uu beero illaa 10 geed, kadibna keeno caddeymo sawirro ah oo muujinaya shaqada uu qabtay. Mas'uulkan ayaa sheegay in dhir beerista loo baahanyahaya madaamaa waddooyin badan oo la bixiyay awgood ay keentay in dhir badan la jaro. 360,000 qof oo gobolkan ku nool ayaa haysta shatiga hubka, waana tirada ugu badan dalka Hindiya oo dhan. Illaa 100 qof ayaa gudbisay arjiga shatiga hubka, kuwaas oo geeyay caddeymo la xiriira in ay geedo beereen tan iyo intii la shaaciyay amarkan. In aad talaasho oo kaliya ma ahan, ee waa in sidoo kale uu qofka xanaaneeyo geedka oo uu biyo waraabiyo, geedkana uu noqdo mid baxay." https://www.bbc.com/somali/war-49160929 +health """Kala dooro in gabdhahaagu ay isla dhintaan ama inay mid dhimato""" "Labadan gabdhood ee mataanaha ah iskuna dheggan ee lagu kala magacaabo Marieme iyo Ndeye waxay mucjiso ku noqdeen dhaqaatiirta. Lama fileynin in ay sii noolaadaan maalmo yar ka badan - balse bishii August ee sannadkii la soo dhaafay ayey iskuul ku biireen. Waxay asal ahaan ka soo jeedaan Senegal, waxayna hadda ku nool yihiin magaalada Cardiff ee dalka Britain iyadoo dhaqaatiirta ay mucjiso ku noqotay sida ay u sii korayaan. Aabahood, Ibrahima Ndiaye, wuxuu ku tilmaamay ""halgamayaal"" iyagoo guul ka sii gaaraya nolosha. Markii hore dhakhaatiirta ayaa Ibrahima kala hadlaya go'aanka ku saabsan in la sameeyo qalliin lagu kala saarayo gabdhaha, kaasoo halis galin kara noloshooda, gaar ahaan horseedi kara iney dhimato Marieme ama in la iska dhaafo oo ay labadooduba isla dhintaan. Ibrahima iyo labada gabdhood ee walaalaha ah ayaa wajahaya mustaqbal aan la hubin. Laba gabdhood, oo jirkoodu mid yahay Mataanahan isku dhaggn, ayaa dadaalka loogu jiro iney nolol helaan wuxuu sababay in laga qaado Senegal oo la geeyo oo la geeyo Wales Marieme Midda dagan, ee ilkaha quruxda badan leh Iyo Ndeye, oo aad u iftiimeysa cod macaanna leh Aabahood, Ibrahima - waa nin wajahaya qaadashada go'aanno aanan qaadashadoodu aysan suurta gal ahayn Mataano isku dhagan - oo ay u badan tahay noocooda inaadan arkin. Tiro aad u yar oo kaliya ayaa dhalata sannad walba, iyadoo intooda badan ay caloosha ku dhintaan, ama isla marka ay dhashaan ka dib. Marieme iyo Ndeye, iyagu waa kuwo jidkaas marin. Iyagoo jira labo sano iyo siddeed bilood, waxey ku nool yihiin magaalada Cardiff, waxaana wehliya aabahood, Ibrahima Ndiaye, oo 50 sano jir ah, isagoo kasoo raacey waddankii ay ku dhasheen ee Senegal. Wuxuu ahaa safar adag, iyadoo qoyskani ay dhaaftay noloshoodii barwaaqeysneyd, halka haatan ay ku nool yihiin hotel iyo cunto yar oo la siiyo. Gabdhahani haatan way bad qabaan, laakiin balaayo ayaa soo socota. Wadnaha Marieme waa mid aad iyo aad daciif u ah, weyna dhiman kartaa. Haddii ay taasi dhacdo, walaasheed Ndeye, oo iyada ka tabar roon way la dhiman doontaa. Wakhti xaadirkan, mataaneyaashan maalin kasta wey sii korayaan noloshana way u sii macaanaaneysaa. Laakiin sanadaha soo socda gudahood, kala doorasho aan lagu fikiri karin ayaa lasoo hor dhigi karaa Ibrahima. Ma wuxuu dhakhaatiirta qalliinka u fasixi doonaa iney isku dayaan kala saariddooda- taasoo halis galineysa nolosha labada gabdhood, gaar ahaan Marieme? Mise labada gabdhood ayuu aqabali doonnaa iney si wadajir ah u dhintaan? Dhalashada Magaalada Dakar - caasimadda dalka Senegal. Waa magaalo xeebeed weyn oo dhacda galbeedka qaaradda Africa, taasoo Ibrahima uu ku heystay nolol wanaagsan. Wuxuu ahaa maamulaha mashruuc hirgalay, wuxuuna ka shaqeyn jiray abaabulka safarrada fasaxa iyo xafladaha ka dhaca guud ahaan gobolka, inta bandanna wuxuu howlahaas u sameyn jiray dalxiiseyaasha Faransiiska iyo Ingiriiska ah.Waa aabaha carruur qaan gaar ah, kuwaasoo ay u dhashay xaaskiisa koowaad, sanadkii 2015-kiina, xaaskiisa labaad ayaa uur qaadey. Ibraahim ayaa sheegay in ""baaritaan uurkeeda lagu sameeyay uu muujiyay gabar"", ""Hal gabar oo qura"". Xitaa markii ay xaaskiisa qeybta umulinta tagtay saddex isbuuc ka hor inta aysan dhalin, waxaa lagula taliyay in qalliin looga umuliyo maadaama uu aad u weynaa uurkeeda, mana jirin wax qeyrul caadi ah oo la filanayay. ""Waxaan uga gacan haatinayey xaaskeyga dhanka danbe oo muraayadda, anigoo baaq ugu sheegayay in wax walba ay fiican yihiin,"" ayuu yiri mar uu sharaxayay xaaladda. ""Dhakhaatiirta ayaa soo bixiyey cunugii, kadibna way mashxaradeen, iyagoo ii sheegay in wax waliba wanaagsan yihiin."" Waxey aheyd labadii habeenimo ka hor waabariga, sida qof waliba oo kale, Ibrahim waa uu daaley, isagoo wali xirnaa dharkiisa suutka ah ee shaqada iyo kabihiisa. Xaqiiqdii, waxay ahayd in maalintaasi uu jooggo Belgium, si uu usoo qaato abaal marin uu ku muteystay dadaalkii uu u sameeyay qaban qaabinta booqasho samo fal ah oo baaskiil loo adeegsanayay. Markii uu hubsaday oo ay niyadda u dagtay, wuxuu kasoo dhex baxay saxmaddii wuxuuna u soo baxay dibadda, si uu neecaawda habeenimo u qaato. Wuxuu ku tiirsaday darbi, isagoo ALLE uga mahad celinaya iney si nabad ah ku dhalatay gabadhiisa. Laakiin isla markii uu sidaas sameeyay, farriin ayaa u soo dhacday oo looga dalbanayo inuu kusoo noqdo gudaha, si uu ula kulmo Dr Lamine Cisse, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurada haweenka iyo dhalmada carruurta. Ibrahima wuxuu si wanaagsan u garanayey dhakhtarkan maadaama uu horay u dhaliyay labo ka mid ah carruurtiisa waaweyn. Laakiin markan, wajigiisa farxad kama muuqanin. Ibrahima ayaa yiri: ""Wuu I fariisiyey wuxuuna yiri, 'Waxaan doonayaa inaynu ka wada hadalno mataanaha'."" Mataano aa? Maskaxda Ibrahima ayaa bilawday inay aad u shaqeyso. Baaritaankii scan-ka ma aanu soo saarin mataano. Ma carruurtii baa loo dooriyay? Waxyaabo la yaab leh ayaa ka dhaca Senegal… Soddon daqiiqo kadib, oo uu Ibrahima aqbalay warka, waxyaabo kale ayaa soo socday. ""Marka ii sheeg… maxaa ka khaldan mataanaha?"" ayuu u weeydiiyey, si hoose. ""Mataano isku dhagan,"" ayuu yiri Dr Cisse. ""Waa kuwo isku dhagan."" Xilligaas oo ku beegneyd 18-kii May 2016-kii, ayey ahayd markii ay Ibraahima noloshiisa dunida guud ahaan is baddashay. ""Wey iga dhaaci kari weysay,"" ayuu yiri Ibrahima. ""Waan iska aamusay, anigoo isku dayaya inaan fahmo, sababta waxan loo arki waayay. ""Waxaan aad ugu careysnaa dadkii xaaskeyga saarey baaritaanka scan-ka. ""Ma aanan hadli akrin, illin baa isoo dhaafeysay. Waxaan caro awgeed haraanti ula dhacay alaabta waana calaacalay."" Markii la gaaray shanti aroornimo ayuu Dr Cisse Ibrahima u kaxeeyay si uu u arko gabdhihiisa, iyadoo xaaskiisana ay taallay oo markaas ay soo fiicnaaneysay. Ibrahima ayaa yiri: ""Waxaan rajeynayaa inay arrintani noqon doonto mid yasiran, si fududna loo kala qeybin/jari doono. ""Waxaan xasuustaa in markii aan u sii socday qolka, aniga dhan dareen iga maasheeyey, laakiin haddana aan is weeydiinayey waxa dhabta ah ee socda. ""Waxay dul saarnaayeen miisaanka wax lagu cabiro, sidaa daraadeed waa markii ugu horeysay ee aan arko wajiyadooda iyagoo foorara aniga isoo eegaya. Dabadeed waxaan arkey gacmahooda isku dhagan. ""Waxaan ku dul wareegay miisaankii. Aad bay u yaraayeen, iyagoo culeyskoodu ahaa dhagax barkiis ama (3.8 kg). ""Ma garan karin habka ay isugu dhagan yihiin. Waxaan rajeynayey inay leeyihiin afar cagood, taa badalkeeda labo ayey leeyihiiin. ""Labadooduba way isoo eegayeen, anigoo dhan baa qaboobay."" Arrimuhu markay halkaa marahayaan Dr Cisse kaalnitiisaa dhakhtarnimo waala hakiyey, waxaa xaaladdii Ibrahima loo wareejiyey la taliye xeel dheere ah. Markii uu arkay xaaladda quusta ee Ibrahima, wuxuu xasuusiyey iimaanka diinta Islaamka, maadaama uu yahay Suufi. Suufinimada waa qeyb kamid ah Islaamka, taasoo, uu ku sheegey Ibrahima, in qofka ay ku adkeyneyso inuu ahaado mar waliba qof wanaagsan oo maskax furan Waxaa xaaladdiisa dajisay markan iimaanka diinta Islaamka, ayuu yiri Dr Cisse. waayo aragnimada iyo khibradda laga dhaxlo waxyaabaha lagu hungoobo ayey dadku wax ku qaataan. Ha yeeshee wali ma aanu joojin Ibrahima in dhidid ka imaanayo. Sidaa darteed waa markii uu Dr Cisse u sheegay isaga: ""Haddii aad sidan kusii socoto, maxey nolosha gabadhani noqon doontaa? Maxaa iyaga ku dhici doonaa, haddii aad tahay qof aad u nugul ama daciifa? Wuxuu ku amrey Ibrahima inuu tago musqusha, soo dhaqdo wajiga, iska tirtiro illinta, kadibna soo noqdo. Markaa kadib waxaa harey hal kalmad oo loo sheegi lahaa: ""Tani waa caqabad lasoo daristay noloshaada, waana inaad u diyaar garowdaa."" Caqabadda Sidaa darteed markan waxaa u bilawday nolol cusub Haatan waxaa hareeyey Ibrahima jaceylka waalidnimo, iyadoo ay qabsatey mawjad taxadar iyo xanaaneyn gaar ah oo uu sameynayo gabdhahiisa qurxoon. Laakiin Marieme, si gaar ahaaneed, way jiran tahay - way shubantay, waxaana ku adag neefsashada. Xal ayaa loo baahan yahay, waliba si degdeg ah. Walina shaqaalaha waxey u muuqdaan kuwo isku dhex yaacsan hubaal la'aanna ah, iyadoo halista gabdhuhu ay ku dhiman karaanna ay tahay mid isku celi celiskeed aad u sareeyo. Ibrahima ayaa u cararay gurigiisii, isagoo soo qaatey waxoogaa dhar ah, dabadeedna si degdeg ah u soo noqday, si uu ugu diyaar garoobo in gabdhihiisa uu u wareejiyo isbitaa kale oo carruurta u gaar ah, oo agagaarka ku yaalla. Markii halkaa loo wareejiyey, gabdhihii waxaa lagu xiray mashiino iyo agabka ku kaalmeeya bani'aadamka qaadashada neefta. Ha yeeshee dhibaatadan adag oo ay keentay xaaladan, Ibrahima wuxuu wajahayaa dhibaato kale. Waa dal uu ka jiro quraafaad xididadiisu dheer yihiin, warka ah in ilmo cajiib ah ay dhasheen wuxuu ku baahan magaalada. ""Gabdhihii waxaa looga tagay jaran jaro, halkaasoo uu arki karo qof waliba,"" ayuu yiri Ibrahima. ""Miyrikiba iga tagay anigoo dhan, markii aan arkay qof aan garaneyn oo leh sawir baan ka qaaday gabadhaha."" Aad baan uga carooday, Ibrahima ayaa ka dalbadey qofkii daabatey sawirada caruurtiisa, inuu tuso waxa ku jira taleefankiisa, wuxuu ka qaadey isagoo u geeyey maamulka guud ee isbitaalka. ""Waxey iila mid aheyd anigoo miir daboolmay,"" ayuu yiri. ""Tani waxey daaha iiga rogtay sida ay ugu baahan yihiin gabdhahayga inaan u fidiyo gabaad iyo difaacba. ""Waan is xakameyn waayey. Waxaan jabiyey taleefankii, oo aheyd wax aan munaasib igu aheyn inaan sameeyo, ha yeeshee aad baan isugu dhax yaacay oo aan u carooday."" Ibrahima waa loogu garaabi karey sababaha keenay walwal kiisa iyo caradiisa. Siyaabo badan, illaa iyo intii uu dalkani ka qaatay madax banaanidiisa Faransiiska 1960-kii, Senegal ayaa muujiyey guulo la taaban karo, marka loo eego dalalka qaaradda Africa inteeda kale. Wuxuu leeyahay hab dhaqan dimuqraadiyadeed oo ay dheehan tahay xasilooni, taasoo ay jiraan haween tiradoodu aad u sareyso, oo ku matala bulshada dalkaasi baarlamaanka. Dadka dalkaasi waxey aad u jecel yihiin qeybaha kala duwan ee isboortiga, gaar ahaan Kubadda Koleyga iyo Lagdanka, halka dalkani lagu yaqaano dadkiisa soo dhaweynta wanaagsan iyo deeqsinimada, kooxda xulka qaranka waxaa lagu naaneysaa Libaaxyadii Teranga ama Libaaxyadii Marti Galinta. Laakiin waxaa jira dhibaato, taasoo ah sida ay u arkaan bulshada dadka curyaanka ah. ""Waxaa jirta jaahilnimo baahsan,"" ayuu ku qeexay Ibrahima sharaxaaddiisa. ""Tani dadka waxey u arkaan cadaab Ilaahey, ama waxey rumeysan yihiin in sixir la xiriiro arrintan. ""Fikirkani waa kuwo si baahsan loo aaminsan yahay, waana mamnuuc in si toos ah loo falan qeeyo ama loogga dooddo. ""Waxaa dhici karta khatar iyo nafhurnimo, taasoo keeni karta in carruurta qaarkood la bartilmaameedsado. ""Dadku umma arkaan Mariemme and Ndeye sida mataano isu dhagan. ""Waxeyse u arkaan iyaga cunug labo madax leh, noloshoodana dhab ahaantii waxey ku jirtaa halis."" Xal degdeg ah Sidaa daraadeed markan waxaa bilawday dagaalka uu Ibrahima ku difaacayo gabdhahiisa. Markii uu cawday kadib, waxaa loo wareejiyey qol sugan oo ammaan ah, kaasoo kafog meelaha ay indhaha dadku qabtaan. Halkaasi, gabdhihii way ku koreen, waxaana soo muuqdey hab dhiska jirkooda. Labadooduba mid waliba wuxuu leeyahay maskax caafimaad qabta, wadno iyo sambabo. Laakiin waxay isla wadaagaan hal beer, kaadiheys iyo dheef shiid. Mid waliba wuxuu leeyahay calool, laakiin kuwani waa isku xiran yihiin, halka ay wadaagayaan labadoodu saddex kaliyood. Waxey labadooduba leeyihiin gacan ay wadaagaan, iyadoo inta badan ay isticmaasho Ndeye, maadaama ay tahay mataanta xoogga leh. Laakiin maadaama haatan Ibrahima uu bilaabay fahamka iyo xaaladda ku gadaaman gabdhihiisa mataanaha ah, sidaa daraadeed waxaa u caddaatey inaanu jirin qorsho lagu caawinayo iyaga. ""Ma jirin dad la xiriiraya dhakhaatiirta sida gaarka ah ugu takhasusay"" ayuu yiri. ""Ma jirin qof caawinaya ama dhankooda soo dhuganaya oo la safan. ""Waxey sugayaan oo kaliya inta ay ka dhimanayaan."" Sidaa daraadeed tani waa ugu danbeyn markii uu la wareegayey daadihinta maamulka gabdhihiisa. Saddex toddobaad kadib, gabdhihii isbitaalka waa laga soo sarey iyagoo la keenay gurigoodii, halka hooyadii ay kasoo kabaneyno qaliinkii lagu sameeyey. Ma aaney awoodin iney runta sheegaan, iyadoo labadooduba waa Ibrahima iyo xaaskiiba ay been u sheegeen dariskii iyo saaxiibadii, taasoo ah in cunugii uu wali ku jiro isbitaalka. Laakiin markii Ibrahima uu dib ugu noqday shaqadii, la shaqeynta hey'adihii iyo ururadii abaabulka dalxiiska ee gobolka, ayuu dib u bilaabay. ""Mar waliba oo aan firaaqo helo, waxaan baarayey mataano isku dhagan,"" ayuu yiri. ""Caqabad baa ila soo gudboonaatay - oo ah inaanan marna ka tagin ixtiraamka aan u hayo gabdhahayga, mana rajeyneyn inaan u arko dhibaato - waxaana ku dadaalay inaan caawiyo"". Waxaa jira qof ku takhasusay barashada luqado badan, ayuu bilaabay Ibrahima inuu kaashado, bal si ay ula xiriiraan isbitaalo kala duwan mid mid, iyagoo baadi goobaya bal haddii ay macquul tahay in gabdhahan la kala sooco/la kala qeybiyo. Marka koowaad, maadaama shaqadiisa ay la xiriirtey magaalada Brussels, wuxuu isku dayey inuu la xiriiro dalkaasi Belgium-ka, laakiin waxaa loo sheegay inaanu jirin isbitaal ka caawin kara kala qeybinta gabdhihiisa oo halkaasi ku yaalla. Markaas markii xigay wuxuu la xiriiray Jarmalka, halkaasoo ay ku noolaayeen laba gabdhood oo walaalihiis ah, laakiin ma jirin isbitaalo ay soo mareen kiisas sidan oo kale u adag. Wuxuu kaloo isku dayey dalalka Zimbabawe, Norway, Sweden, iyo isbitaallo ku yaalla Mareykanka, - sida Seattle oo ku yaalla Washington , Jacksonville oo ku yaalla Florida iyo Baltimore oo ku yaalla Maryland. Dhakhaatiir joogta isbitaal ayaa ku wargaliyey Ibrahima inuu siiyo hal million oo doolar, inta aaney qaabilin gabdhaha. Markii ugu danbeysay, wuxuu isku dayey isbitaal ku yaalla dalka Faransiiska, isagoo rajeynaya in dalkani si un u caawin doonaan, maadaama xiriir adag leeyihiin dalka Senegal. Wuxuu u direy email ay ku jiraan baaritaanka gabadhihiisa, iyo sida xaalkoodu yahay. Laakiin jawaab celintii lasiiyey waxey aheyd mid xun oo aad u qaab daran. Tani wuxuu ku ogaaday inaanu isku wareejin raadinta caawimaad, gabdhahanina ay dhiman doonaan, maxaa yeelay ma jirto xal caafimaad oo loo heli karo. ""Ma qiyaasi karo sida uu maskaxdeyda u dhaawacay email-kii la iigu soo jawaabay,"" ayuu yiri Ibrahima. Waxey aheyd mid xambaarsan kibir iyo isla weyni, iyagoo noola dhaqmay aniga iyo gabdhahaygaba si yasma ah oo aan ixtiraam laheyn. ""Dhakhaatiirtani ma laheyn maskax iyo caqli ay ku ogaadaan, dabadeedna ay nagula macaamilaan, maxaa yeelay xaalkayagu ayaa ahaa mid adag. ""Laakiin caqabaduhu waxbey ku baraan maskaxdana way kobciyaan, si aad u gaarto nolol wanaagsan oo qurux badan, ""Kuma qiyaasi karo tilmaan sida dhakhaatiirtani ay ii geeyeen heer hoose, iyo sida nolosheyda ay mugdi u aheyd. ""Waxey kuwani soo oodeen wadiiqo kasta oo jiri kartey oo aan rajo ka lahaa."" Wali inkastoo Ibrahima uu murugeysan yahay, wuxuuse qabaa rajo adag oo ah inuu xal heli doono. Maalinba maalinta ka danbeysa, way koreen iyagoo xoogeysanaya, waxey bilaabeen dhoola cadeyn, kadibna way furfurmeen, indhahooda cadcad oo meelaha ku dheegagaya, faro yar yar oo wax ku qabqabsanayaan. Baadi goobkii xalka kala goynta, ayuu Ibrahima mar kale dib u bilaabay . Maalin maalmaha kamid ah, gabdhaha oo jira bilooyin kaliya, wuxuu daawadey video niyadiisa dib usoo celiyey - kaasoo oo ku arkey bar internet ah oo ay leeyihiin Abby iyo Brittany Hensel, kuwaasoo joogga gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Kuwani waxey isugu dhagan yihiin sida gabdhaha Ibrahima, haatanna waxey ku jiraan dada labaatameeyada, iyagoo ku shaqeeya macalinnimo, sidoo kalana awoodda iney kaxeeyaan baabuur iyo ciyaarista isboortiga. Ibrahima wuxuu u ahaa video-gan sida inuu helay wax cajiib ah - in mataanaha isku dhagan aaney kaliya la lagdami karin sidii ay u noolaan lahaayeen, balse ay sameyn karaan dadaal ay wax ugu qabsan karaan noloshooda. Xafiiskiisa quruxda badan ee Dakar, wuxuu ku daawadey vidoe-gii afar, illaa iyo shan jeer, isagoo si qunyar ah u darsaya dhibaatooyinka heysta gabdhihiisa iyo sida loogu guuleysan karo xalkoodu. ""Haddii ay jirto wax un I dhiiri galiyey, wuxuu ahaa video-gan ku saabsan noloshada mataanaha isku dhagan ee Mareykanka ah,"" ayuu yiri ""Waxaan arkay sida qoysku uu go'aan koodu u adkaa, sida ay carruurtooda u difaaceen uguna dagaalameen. ""Waxaan markaas ku iri nafteyda, 'waxaan sidan oo kale u sameynayaa gabdhahayga'. Waxay sare u qaadey awoodda aan go'aan ku gaari karo. London Baaritaan kiisa dheeraadka ah ayaa keentay inuu helo isbitaal - kaasoo ah Ormond Street Hospital kaasoo ku yaalla London, kaasoo ay joogaan dhakhaatiir aqoon duruqsan u leh mataanaha isku dhagan. Ibrahima ayaa yiri: ""Ma aanan maqal waligeey, laakiin waxaan la xiriiriyey la taliye, Paolo De Coppi, waxaana u direy xogta gadhahayga. ""Wuu aqriyey, wuxuuna iigu soo jawaabay si fudud. ""Wuxuu igu yiri, 'Imow'."" Niyaddii Ibrahima way dagtay; ugu danbeyn wuxuu helay qof doonaya inuu caawiyo. Wali, maahan mid fudud inuu safar ku tago London. ""Dhammaan lacagtii aan heystay waxaan ku qarash gareeyey dawo, baaritaan iyo talo bixinta gabdhaha,"" ayuu yiri isagoo sharaxaya xaaladdiisa dhaqaale. ""Waxaan ku lahaa caymis caafimaad shaqadeyda, ha yeeshee taasi maaheyn mid dabooli karta qarashka uu iga rabo isbitaalka ku yaalla London. Si kastaba, waxaan gacanta ku heystaa balan qaad caawimaad, oo uu dhakhtar ii fidiyey, horeyna aanan u haysan. Xaaska madaxweynaha Senegal, Marieme Faye Sall, ayaa ka maqashay warka ilmahan dhashay hey'addeeda, Servir Le Senegal. Ibrahima ayaa sheegay: ""Durbadiiba way ila soo xiriirtay, iyadoo u balan qaadey iney ka caawineyso wax walba oo uu u baahan yahay. ""Aad baan uga mahad celiyey, waxaana sameeyey inaan ugu magac daro toddobaadyo kadib gabadhayda iyada, taasoo ah Marieme. Waxaan ka dagnay London bishii January 2017-kii, qoyska ayaa la kulmay Dr De Coppi, la taliye carruur oo dhanka qalliinka ah. Ibrahima ayaa yiri: ""Ma qiyaasi karin rajada iyo daganaanta aan ka helnay aniga iyo gabdhahayga maalintii koowaad ee uu na qaabilay dhakhtarkan. ""Marka aad joogto dalka Senegal, haddii aad ixtiraameyso qof indhahaada ayaad hoos u raaricineysaa, ama waxaad daymooneysaa meel fog ama hoos. ""Waa sidaas sida aan ula dhaqmayo, maxaa yeelay wuxuu aad ugu jajaban yahay shaqadiisa, waana midaas sida uu ugu heelan yahay caawinta gabdhaha. ""Wuxuu sare u qaadey dareen keyga. Wuxuu ii sheegay inuu ina caawinayo, anigoo isaga eegaya. Waa taas waxa aan doonayo inaan arko. Sidaa daraadeed waxaa bilawday baaritaankii caafimaad - waxaa la isticmaalay aqoontii u danbeysay sida 3D iyo ultrasounds, bal si loo eego haddii ay macquul tahay in gabdhaha la kala sooci karo. Laakiin markii ay hawsha baaritaanka qabteen dhakhaatiirtii, noloshii Ibrahima ayaa waxaa ku bilawday isbadal xun. Lacagtii ay ugu deeqday marwada madaxweynaha Senegal waxey ku dhamaatay duulimaadkii iyo hoyga, taasoo ka dhigtay qoyskii guri la'aan magaalada London dhexdeeda. Maadaama uu yahay aabo carruurtiisa aad uga walwala mas'uuliyadna uu isa saarey, Ibrahima ayaa ka tagey shaqadiisii, taasoo dhaxashiisay inuu noqodo qof aan meel wax kasoo galin. Badqabka iyo nolol wanaagsan oo ay helaan gabdhihiisa darteed, ayuu go'aan sadey Ibrahima inuu magangalyo ka dalbado dalka Ingiriiska. Wuxuu ogaa inaanu daryeelka caafimaad ee isbitaalada dowladda Ingiriiska aanu u ahaan doonin kuwo wanaagsan, sida kuwii gaarka loo lahaa ee lacagta badnaa ee ku yaalley dalka Senegal, taasoo khatar galin karta noloshada gabdhaha haddii uu geeyo. Laakiin tani ma aheyn go'aan si fudud loo sameyn karo. Dalkii hooyo ee Senegal, ilmihii yar yaraa ee Ibrahima oo uu ku dhalay guurkiisii koowaad isaga ayey ku tiirsan yihiin xaga dhaqaalaha. Ma awoodo inuu lacag u diro, haatan marka waxey kusugan yihiin xaalad sugnaansho la'aan ah marka la eego dhanka gurigii kirada ee ay ku jireen, iyagoo ku dhaw in laga saaro. Hooyada gabdhaha mataanaha, oo ah xaaska labaad ee Ibrahima, ayaa go'aan satey iney dib ugu noqoto Senegal, si ay u xanaaneyso ilmahan kale, iyadoo uga tagtay Ibrahima kaligii gabdhihii mataanaha. Haatan waxey yihiin qoys ka kooban saddex qof, waxey u wareegeen guryo sida hoteeladii ah oo ay maamusho wasaaradda arrimaha gudaha Ingiriiska, oo ku yaalla xaafadda Croydon koonfurta magaalada London. Ibrahima ayaa yiri: ""Ma heysto shaqo, ma jirto xitaa lacag yar oo aniga magaca ku imaneysa, aniga iyo gabdhahayga mataanaha, iyo sidoo kale labaddii ilmood ee Senegal dhammaan waxaan nahay dad hoy la'aana. ""Inaan u wareego dalka Ingiriiska, waxey I dhaxal siisay inaan waayo dhammaan shaqadeydii, gurigeygii, nolosheydii iyo bulshadii aan lasoo koray aanna la noolaa. ""Laakiin waxaan sidaas u sameeyey niyad wanaag, taasoo ah inaan nolol siiyo gabdhahayga."" Xal baa ugu danbeyn loo helay carruurtii joogtay Senegal, laakiin wali xaaladda kuwa kusugan Ingiriiska waa sidoodii. ""Aad baan uga mahad noqay hotelka,"" ayuu ku micneeyey xaaladdiisa mar uu ka warbixiyey Ibrahima. ""Laakiin dhanka kale wuxuu sheegay inaaney aheyn goob munaasib ku ah carruur yar yar. Maadaama aanu cunto heysan, Ibrahima waxaa la kaar uu cunto ku qaadan karo. Wuxuu yiri: ""Inuu mooday in kaarkii la siiyey uu wax uga qaadan karo suuqyada waa weyn. ""Waan soonnaa maalintaas anigoo quud dareynaya inaan fuliyey wixii uu I farayey iimaan keyga oo ah diinta Islaamka, laakiin waxaan lugeeyey 40 daqiiqo, anigoo markii danbe tagey kaniisad ku taalla galbeedka London. ""Inta badan dadka uu ku arkey goobtii waxey ahaayeen dad aanan laheyn hoy, wuxuu xaqiiqsadey in taasi tahay xaaladda dhabta ah. ""Waxaan dareemay in nolosheyda ay hoos u dhacday oo aan liito. Sidee nolosheyda sidan ku noqotey? ""Waxaan bilaabay inaan ku hor ooyey dadka hortooda, laakiin waxaa I aragtay sooro waxeyna I geysay qol. ""Waxaan u sharaxay gabdhaha mataanaha aan heysto, iyo sababta aan halkani u joogo. ""Waxay ogeyd soorada inaan ahay Muslim, laakiin waxaan ka dalbadey iney noo duceyn karto, sidaa daraadeed waan wada fariisanay innagoo wada duceysaneyna illaa iyo 15 daqiiqo. ""Kadibna waxey boorso iiga buuxiyey wax alle iyo wixii ay heli kartay, markii aan kor u qaadey boorsadii aan dusha u saarto, waxey ii sheegtay sooradii inaan soo noqon karo mar waliba oo aan wax u baahdo. Gugii sanadkii 2017-dii, waxaa isoo gaaray akhbaar ka timid la taliyihii qoyska. In wadnaha Marieme uu yahay mid daciifa, sidaa darteedna lagu sameynayo qalliin. Haddii la isku dayo in la kala qeybiyo, waxey u badan tahay iney dhimato. Ibrahima ayaa yiri: ""Markii aan ogaaday xaaladda, ma aanan dooney in ay sii socoto hawsha. Sideen wax u kala doortaa? ""Laakiin waxaan dareemayey oo aan xasuusnaa inaan waxba u qaban karin gabdhahayga. ""Ma ahan aniga. Waxa aan aan u xanaaqsanahay. Waxaan u xanaaqsanaa mustaqbalkeyga. ""La taliyihii dhanka caafimaadka ayaa Ii sheegay inuu na cawin doono oo uu sii wadi doono xanaanada gaarka ah, taasina waa waxa aan doonayey inaan maqlo. "" Mustaqbalka Waxaa kasoo wareegatay imaanshihii Ingiriiska Ibrahima sanad, bishii March 2018-kii, Ibrahima iyo labadiisa mataanood wuxuu xafiiska arrimaha gudaha Ingiriiska u wareejiyey magaalada Cardiff - dadka magan galyo doonka ah xafiisku wuxuu u wareejin karaa meel waliba oo ka mid ah Ingiriiska. Waxaa loo oggolaadey inay sii joogaan Ingiriiska, waxay haatan si wadajir ah ugu nool yihiin guri yar oo ku yaalla dabaq dhaxdiisa, kaasoo u dhaw magaalada hoose. Halkani, waa meesha ay ka raacaan bus-ka kuna soo noqdaan, iyagoo laga doonayo iney isku dawaan inaaney soo jiidan dareenka dadka kale oo ay u jirsadaan masaafo waxoogaa yara fog - waa xeelad la siiyey Ibrahima. Mararka qaarkood, markii gabdhaha la arko, dad ayaa soo daba raaco jidka, iyagoo bilaaba iney u duceeyaan, waa wax uu u arko Ibrahima iney ku caawin doonto in dhibaatada ka joojin doonto. Siyaabo kala duwan, halkani nolosha waa mid fudud oo lagu raaxeysan karo, inkastoo aan godoon galnay. Gabdhihii yaryaraa ee mataanaha ahaa waxey bilaabeen iney hadlaan, waxey ku ciyaari karaan goobaha ilmaha lagu ciyaarisyo ee Ty Hafan. Haatan iyagu ma awoodaan iney socdaan, laakiin taasi waa la rajeynayaa iney gaaraan. Inta badan ilmuhu markey gaaraan labo sano, waxey jecel yihiin iney heesaan labadooduna waa sidaas, qosol iyo iney wax daawadaan. Ha yeeshee dhakhaatiirtu waxey og yihiin, in bil waliba iyo sanad waliba oo ina dhaafa, in wadnaha Marieme uu sii daciifayo. Waqti xaadirkan la joogo, waxey inta badan ku tiirsan tahay nolosheeda Ndeye. Waxey haatan ka qaadata neefta wadnaha adag ee Ndeye, halka cuntaduna ay usoo marto caloosha ay wadaagaan. Si kastaba, xaaladdani haatan waxey cadaadis ku heysaa wadnaha iyo jirka Ndeye. Sanadkii 2018-kii, dhakhaatiirta ayaa u sheegay Ibrahima haddii Marieme ay si degdeg ah u dhimato, in fursadda lagu badbaadin karo Ndeye ay noqon doonto mid aad u yar. Sidaasi darteed haatan go'aamada ku xeeran kiiskani waa uu is badalayaa, su'aasha la is weeydiinayana waxey aheyd; miyaa la isku dayaa kala qeybinta gabdhahan mataanaha ah si loo badbaadiyo nolosha Ndeye? Tani, waqti xaadirkan, ma ahan wax uu ka fikiri karo Ibrahima. Wuxuu ku qeexay in tani tahay ""u ridashada gacan god mugdi ah oo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doono"", taasoo labada habka ay tahay kuwo khatar galinaya nolosha iyo jiritaanka gabdhahan. Farxaddiisa waxey ku qotontaa hab dhaqanka cunto karin, u heesidda jaaliyadda Senegal kuwaasoo uu kula kulmay Bristol iyo hab soo noq noqoshada maalinlaha noloshiisa caadiga ah - ee xanaaneynta iyo waqti la qaadashada gabdhihiisa. Isagoo diyaarinaya cashada, wuxuu yiri: ""Dhab ahaantii, waxaan halkan ka helaa nolol wanaagsan oo daacadnimo ku dhisan, anigoon heysan shaqo iyo mushaar. ""Laakiin waxaan ku dadaalaa inaan xasuusto xiliyadii qurxoonaa ee aan soo marey, si aan u isticmaalo awoodda aan taa ka helo xiliyadan adag, si aan u noqdo qof wanaagsan. ""Waxaan doonayaa in waqtigan cakiran aan uga gudbo sharaf"". Wuxuu intaa ku darey: ""Aniga lafteyda, waxaan doonayaa in qalbigeyga aan u sheego inaan wax waliba oo karaan keyga ah aan u qabtey iyaga, si aan u siiyo badqab iyo adeegga caafimaad ee ugu wanaagsan. ""Markii aan isku eego muraayadda, waxaan doonayaa inaan u muuqda qof xasilloon. ""Wixii intaa ka danbeeyo, wax aan ka qaban karo ma jirto. ""Mustaqbalku wuxuu u muuqdaa mid aan la saadaalin karin, ha yeeshee dagaalka nolosha maalinlaha ah ee gabdhahaygana iyo aniga waa mid aan dareemayo inuu yahay mid barakeysan. ""Waxaan ku bartay nololi waxa ay tahay intii aan la daalaa dhacayey nolosha gabdhaheyga. ""Gabdhahaygu waa dagaal yahanno duniduna waxey u baahan tahay iney sidaasi ogaadaan." https://www.bbc.com/somali/47350109 +health Haweeney ku raad joogto dhakhaatiirtii caloosheeda uga dhex tagay maqaska "Haweeney ku nool gobolka Kerala ee koonfurta dalka Hindiya oo sannado badan la daalaa dhacaeysay xanuun aad u daran kadib markii lagu sameeyay qalliin ayaa sheegtay in weli ay sugeyso in cadaalladda la horgeeyo isla markaana tallaabo lga qaado dhakhtarkii ku sameeyay qalliinka, weriyaha BBC-da Cimraan Qureyshi ayaa ka wareystay haweeneydan dadaallada ay ku raadineyso caddaalladda. KK Harshina, oo 31 jir ah, ayaa sheegtay inay wajaheysay xanuun aan loo adkaysan karin oo dhanka caloosha ah muddo sannado ah, sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii baaritaan lagu sameeyay haweeneydan lagu ogaaday in caloosheeda looga soo dhax tagay maqaskii loogu sameynayay qalliinka. ""Xitaa, si faahfaahsan ugama hadli karo xanuunkii darnaa ee shanta sano aan dareemayay"" ayay tiri Ms Harshina oo la hadleysay BBC-da. Ms Harshina oo ah hooyo dhashay saddex carruur ah, waxay carruurtan dhammaantood ku dhashay qalliin. Waxay labo kamid ah qalliinada ku martay isbitaal dawladeed oo ku yaal magaalada Thamarassery Kozhikode intii u dhexeysay 2012 iyo 2016-kii, qallinkii ugu dambeeyay waxay ku gashay kulliyada Caafimaadka ee dawladda ee degmada Kozhikode sanadkii 2017, waxaana halkaa ugu dhashay wiil. Waxay sheegtay in wixii ka dambeeyay qallinkaas ay dareentay xanuun dhanka caloosha ah. ""Markii aan ka cawday arrinta, waxay dhakhaatiirta ii sheegeen in sababta aan u dareemayo xanuunka uu yahay in aan maray qalliin saddexaad, Sidoo kale waxaa la ii sheegay in dumar badan oo kale ay sidoo kale qabaan cabasho taas la mid ah."" ayay tiri Harshina. Markii uu kusii batay xanuunkan, waxay la tashatay dhakhaatiir dhowr ah, dadaalladii ay ku raadineysay waxa ka dhashay xanuunka haya waxay kala kulantay dhaawac maskaxeed iyo mid maaliyadeedba. Waxay ahayd Sebtembar 2022 oo keliya, markii ay baaritaanno lagu sameeyay infekshanka kaadiheysta kaadiheysta, ay ogaatay waxa dhibaatadu tahay - baaritaan la sameeyay ayaa muujinayay in bir gudaha ku jirto. Bishii Sebtembar 2022 ayay aheyd markii baaritaan lagu sameeyay haweeneyda lagu ogaaday in qalab bir ah uu dhex yaallay caloosheeda. Qalabkaas birta ahaa wuxuu dheerarkiisu ahaa 6.1cm halka balaciisu uu ahaan 5cm-oo ay dhakhaatiirtu u adeegsadaan in ay ku xiraan xididdada dhiigga qaada marka ay qalliinka sameynayaan, waxaa lagu sameeyay qalliin kale si looga soo saaro qalabka. Ms Harshina waxay u dacwootay wasiiru dowlaha caafimaadka ee degmada, Veena George, taasoo keentay in la magacaabo guddi soo baara arrintan. Isbitaalka Kulliyada Caafimaadka ee Dowladda ee Kozhikode ayaa sidoo kale sameeyay baaritaan gudaha ah oo ku aaddan dhacdan. Isbitaalka Kulliyada Caafimaadka ee Dowladda ee Kozhikode ayaa sheegay in aysan jirin wax qalab qalliin ah oo ka maqan isbitaalka oo la waayay, Baaritaanka waaxda caafimaadka ayaa sidoo kale ku guuldareystay in uu soo bandhigo cidda dusha saaraneyso mas'uuliyadda dhibaatadan. Baaritaano kala duwan oo ay dowladda samaysay ayaa awoodi waayay in la ogaado halka laga keenay qalabkii ama maqaskii qalliinka ee haweeneyda looga dhax tagay caloosheeda- labada isbitaal ay qalliinka ku gashay ma hayaan diiwaanka qalabka. BBC-du waxay la xiriirtay Ms George si ay uga hadasho arrintan laakiin wali wax jawaab ah kama helin. Horraantii, toddobaadkan Ms Harshina waxay ka soontay cuntada xilli ay ku sugan tahay afaafka hore ee isbitaalka iyadoo maamulka gobolka ka codsaneyso caddaalad si tallaabo looga qaado dadkii caloosheeda uga soo dhex tagay maqaska xilli qalliin lagu sameynayay. Khamistii, hogaamiyayaasha Mucaaradka ee maxalliga ah ayaa ku qanciyay inay joojisoo cunta-ka soomidda, iyagoo sheegay inay saamaynayso caafimaadkeeda. Ms Harshina ayaa joojisay cunto ka soomidda balse waxay si waddaa dadaallada ay caddaallada ku raadineyso iyadoo hor fadhida bannaanka isbitaalka. ""Halkan ayaa dibadbaxa kasii dhigi doonaa tan iyo inta aan caddaalladda ka helayo"" ayay tiri haweeneyda." https://www.bbc.com/somali/articles/cx09vpnxl2do +health Cilmi-baadhis muujisay in sida difaaca jidhku ula dagaalamo hargabku abuurayso rajo uu iskaga difaaci karo Covid "Cilmi-baadhis la sameeyey ayaa sheegaysa in difaaca dabiiciga ah ee jidhku kaga gaashaanto durayga ama hargabka caadiga ahi ay keeni karto inuu sidoo kale jidhki waxoogaa iskaga difaaci karo Covid-19. Daraasaddan oo dad kooban lagu sameeyey laguna daabacay majallada Natur Communications, ayaa waxa ka qayb galay 52 qof oo meel kula noolaa qof markaas uun uu ku dhacay Covid-19. Dadka habdhiska difaaca jidhkoodu uu yeeshay xasuus uu iska difaaci karo hargabka ku dhacay oo kale ayaa waxay arintaasi keentay in suurto galnimada uu ku qaadi karaan Covid. Khubaradu waxay sheegeen in ay tahay in aanay dadku isku hallayn arintan difaaca jidhka ah ee daraasaddu sheegtay oo uu talaalku muhiim yahay. #Nooc cusub oo fayraska korona oo laga helay Ingiriiska Bisad laga helay Fayraska Korona Laakiin waxay rumaysan yihyiin in arintan la ogaaday ay ogaal faa'iido leh ka bixinayso qaabka habdhiska difaaca jidhku ula dagaalamo fayraska. Covid-19 waxa keenay nooc ka mid ah fayraska korona, hargabka qaarkiina waxa keena noocyo kale oo fayrasyada korona ah, markaa saynisyahanno waxay is weydiinayaan in ay suuto gal tahay in difaaca jidhku sida uu ula dagaalamo nooc ka mid ah fayrasyadaasi uu jidhka uga caawin karo inuu nooc kalena ula dagaalamo. Laakiin khubaraddu waxay ka digeen in ay noqon doonpo ""gef weyn"" hadii loo qaato in qof kasta oo dhawaan hargab ku dhacay uu si dabiici ah iskaga difaaci karo Covid-19 maadaama oo aan hargab oo dhan aanay keenin fayras yada korona. Waxay diiradda ku saareen daraasaddooda qayb muhiim ah oo ka mid ah habka difaaca jidhka ee unugyada T-cells. Unugyada T-cells qaarkood waxay dilaan unug kasta oo ay soo gaadho khatar gaar ah, tusaale ahaan fayraska hargabka oo kale. Marka uu hargabku ka baxo jidhka unugyada T- cells qaarkood waxay ku sii jiraan jidhka oo wuu xusuusnaadaa waxaanay diyaar u ahaadaan inay difaacaan marka ay la kulmaan fayraska. Cadaadiska Trump miyaa suurageliyay ansixinta tallaalka korona fayras? Bishii Sebtembar 2020, cilmi-baadheyaashu waxay daraasad ku sameeyeen 52 qof oo aan weli la tallaalin laakiin la nool dad hadda laga helay Covid-19. Kala badh dadkaas ayuu ku dhacay Covid muddada 28 ka maalmood ee daraasaddu socotay intii kalena kuma dhicin. Saddex meeloodow meel dadka aan qaadin Covid waxaa la ogaaday inay dhiigooda ku jiraan xaddi badan oo ah unugyada xusuusta gaarka ah yeeshay. Dr Simon Clarke oo ka tirsan jaamacadda Reading ayaa sheegay in, in kasta oo tani ay ahayd daraasad yar ay hadana wax ku soo kordhisay fahamka habka difaaca jidhkeennu ula dagaallamo fayraska oo uu ka caawin karo tallaallada mustaqbalka. Tallaalada hadda jira ayaa si gaar ah u bartilmaameedsada borotiinada ku dul samaysan dahaadhka fayraska, laakiin borotiinnada sare waxay ku beddeli karaan noocyo cusub. Wuxuu sheegay in unugyada T-cells ee jidhku waxay bartilmaameedsadaan borotiinnada fayraska gudaha, kuwaas oo aan wax badan ka bedelin kala duwanaanshaha taas oo la macno ah tallaallada ka faa'iidaysta shaqada T-unugyada si dhow ayaa bixin kara ilaalin ballaadhan oo waarta oo ka dhan ah Covid." https://www.bbc.com/somali/59946452 +health Dawada Dexamethasone: Dawo dili karta Covid-19 oo “la helay” "Dawo qiimaheedu jaban yahay, caalamka oo dhanna laga heli karo, ayaa la sheegay inay gacan ka geysan karto badbaadinta bukaannada sida daran ula xanuunsan cudurka corona. Dawadan - oo xaddiga laga qaadanayo uu yar yahay - ayaa lagu magacaabaa dexamethasone, waxaana loo arkaa inay tahay guul aad u weyn oo laga gaaray dagaalka lagula jiro fayraska dilaaga ah, sida ay sheegeen khubarada caafimaadka ee UK. Waxay dawadan la helay qeyb ka tahay tijaabadii ugu weyneyd ee caalamka looga sameeyay dawooyinka horay u jiray, si loo arko inay wax ka qabanayaan fayraska corona. Waxay seynisyahannada caafimaadka sheegeen inay si buuxda u caawin karto afar meelood saddex meel oo ka mid ah bukaannada xaaladahooda laga quustay ee ku neefsanaya qalabka loo yaqaanno ventilators-ka. Waxay sidoo kale sheegeen inay cudurka ka dili karto inta badan dadka uu ugu dhacay sida adag. Cilmi-baareyaasha ayaa sheegay in haddii dawadan la isticmaali lahaa markii ugu horreysay ee uu fayraska gaaray UK ay badbaadin kari lahayd nolosha dad gaaraya 5,000 oo hadda geeriyooday. Dalalka saboolka ah ee dunida, oo cudurka Covid-19 uu aad u saameeyay ayey faa'iidada ugu weyn u noqon doontaa, maadaama uu kharashkeedu aad u yaryahay. Qiyaastii 19 ka mid ah 20-kii bukaan ee uu ku dhaco fayraska corona waxay ka caafimaadaan iyagoo aan isbitaal la dhigin. Xitaa kuwa isbitaalka la dhigo badankood way kasoo kabsadaan cudurka, balse qaarkood ayaa laga yaabaa inay u baahdaan in lagu xiro qalab neefsashada ka caawiya. Kuwaas ayaa ah bukaannada halista weyn ugu jira inay u geeriyoodaan cudurka. Waxaase la aaminsan yahay inay si fiican u caawin karto dawada dexamethasone. Horay ayaa dawadan loogu adeegsaday xanuunno kale oo waxyeello u geysta jirka, waxayna u muuqataa mid joojin karta dhaawaca soo gaara jirka gudihiisa, marka ay si xad dhaaf ah falcelin u sameeyaan unugyada difaaca qofka ee ka hortagaya saameynta coronavirus, kuwaasoo ugu dambeyn shaqadooda jahwareerka ah ku sababi kara dhimasho. Tijaabada lagu sameynayay dawadan, oo ay hor kacayeen koox khubaro ah oo ka socota jaamacadda Oxford, ayaa lagu sameeyay ku dhawaad 2,000 oo bukaannada isbitaallada ah, kuwaasoo la siiyay dawada dexamethasone, waxaana la barbar dhigayay in ka badan 4,000 oo bukaan oo aan la siinin dawada. Bukaannada uu ku xiran yahay qalabka neefsashada caawiya ee ventilators-ka waxay ka caawisay inay khatarta dhimashada ka yareyso 40%. Dadka qalabka neefta Oxygen-ta lagu caawiyana waxay khatarta dhimashada ka yareysay 25% ilaa 20%. Barfasoor Peter Horby, oo ah madaxa kooxda baaritaanka wadday, ayaa yiri: ""Tani waa dawada kaliya ee ilaa hadda la xaqiijiyay inay yareyn karto heerka dhimashada - si baaxad leh ayeyna hoos ugu dhigeysaa. Waa guul weyn oo la gaaray."" Dawada dexamethasone waxaa tan iyo sanadihii 1960-meeyadii loo isticmaali jiray cudurro ay ka mid tahay neefta, waxaana aad loogu ammaanay waxtarkeeda." https://www.bbc.com/somali/war-53065713 +health Coronavirus: Sida uu Covid-19 u saameeyay xafladaha aroosyada, dhalashada iyo duugta "Sida ku suxan warqadda ka timid saxafiyiinta Afrika, Joseph Warungu oo ka mid ah wuxuu eegayaa sida coronavirus uu wax uga badalay nolosha dad badan, laga soo billaabo xafladaha dhalashada illaa duugta. Warbxinnada taxanaha ee aan ku eegnay wararka ay qoraan weriyeyaasha Afrikaanka ah, waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa warbixin uu weriye Joseph Warungu ka diyaariyay saameynta ka dhalatay Coronavirus haddii ay noqon laheyd xafladaha dhalashada iyo duugtaba. Sheila Atieno waxay heegan ugu jirtaa sidii ay u caawin laheyd haweeney uur leh oo isbitaalka loo keenay inay ku umusho, waxay haweeneyd ku sugan tahay isbitaal dowladda ay maamusho oo ku yaalla magaalada Nairobi kaddib markii laga helay Coronavirus. Sheila Atieno oo aqoon durugsan u leh cudurrada ku dhaca haweenka waxay ka mid tahay koox dhakhaatiir ah oo loo xilsaaray inay daweyaan haweenka uurka leh ee lagu arkay calaamadaha feyraska Corona. ""Wey adagtahay in aan la qabsado xaaladdan, gaar ahaan marka ay timaaddo in si gaar ah aan u daweeyo haweenka uurka leh ee uu ku dhacay xannuunka Covid-19,"" ayay tiri Sheila. ""Marka aan ku suganahay qeybta isbitaalka ay haweenka ku umulaan, waxaan inta badan la taacalayaa dheecaan, inkasta oo aan shaqadan qabto aniga oo ku labisan dhar qafilan, waxaan dareemaa kuleyl iyo ciriiri"". Waxay sheegtay in marka ay gurigeeda tagto in aysan la kulmi karin carruurteeda illaa ay jirkeeda ka nadiifineyso. ""Waa shaqo adag oo dareen igu reebta, marka ma lihi dooq kale, waxaan ka aheyn shaqadeyda oo ii horseedi karta nolol cusub haddii uu jiro cudur safmar ah ama in kaleba,"" ayay tri Dr Atieno. Francis iyo Veronica Gitonga waa lamaane aqal galay waxay bisha arooska ku qaadanayaan gurigooda oo ku yaalla degaanka Nyahururu oo 200 kiiloomitar u jirta magaalada Nairobi. Waxaa uu arooskoodu dhacay 5-tii bishan, waxay xafladda arooska ku martiqaadeen 500 qof balse 6 qof oo kaliya ah ayaa loo ogolaaday kaniisaddii uu arooska ka dhacayay. Asxaabta iyo qaraabada kama aysan qeybgalin. Xayiraadaha looga hortaggayo cudurka corona ayaa sababay in boqolaal qof ay u suurogeli waaydo inay ka qeybgalaan arooskooda, waxaana xafaladdi lagu soo dhaweynayay arooskoodu ka qeybgashay 12 qof ugu badnaan. Gitonga wuxuu sheegay in arrintani ay u horseeday inay ka faai'deystaan. ""Sida uu qorshaha arooskeenu ahaa waxaa ku bixi lahaa qarash gaaraya Ksh300,000 oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta $2,800 doollar…ugu dambeyntii waxaa nagu baxday Ksh50,000 oo lacagta Kenya ah ($500)."" Wuxuu sheegay in haatan ay dad badan soo wacayaan oo ay ku leeyihiin inay qabsadeen aroos qiimo jaban. Francis iyo Veronica Gitonga waxay wadaageen jecel xilli lagu gudo jiro saameynta ka dhalatay cudurka safmarka ah ee Covid-19. Markii Kenya ay ku dhawaaqday bandow soconayo habeenkii si looga hortaggo faafitaanka fayrsaka Corona, waxay booliska toogteen wiil yar oo 13 jir ah oo lagu magacaabo Yaasin Xuseen Moyo. Yaasin keliya ah ma ahan cidda ay booliska dhibaateeyeen balse waxaa jiraa dad kale oo dhibaato kasoo gaartay gacanta booliskii la doonayay ""inay u adeegaan dhammaan shacabka."" Xayiraadda Coronavirus waxay horseeday tacadiyadda ay geysato dowladda. Aabaha dhalay wiilka dhintay, Xuseen Moyo wuxuu hadal qiiro leh ka jeediyay goobtii lagu aasay wiilkiisa, wuxuuna yiri: ""Maalinkii waxaa wajaheynaa halista fayraska, habeenkiina waxaan la daalaa dhaceynaa argagax gelinta booliska"". James Orengo waa siyaasi caan ah, waana sanatar ka tirsan xisbiga mucaaradka ugu weyn Kenya. Kalfadhigii baarlamaanka ee sannadkii 2017-kii, wuxuu Orengo baarlamaaka ka hadli jiray khatarta ay shacabka u horseedi karto meel marinta sharciyada xun. Wuxuu ku eedeyn jiray dowladda inay gacan ku adag ku heyso shacabkeeda. ""Mararka kacdoonnada waxay dhibaateeyeen shacabkooda... dowladdu waxay dhibaateysaa dadkeeda, dowladdan way idiin ciqaabi doontaa si ka daran ciqaabtii ay inaga ina marsiiyeen, waxaan idiin sheegayaa, ""in sannad kale aad kusoo ooyi doontaan xafiskeyga si aan idiin matalo"". Waxay shacabka Kenya hadal hayeen qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay oo ah; ""waxaan kaxeystay baabuurkeyga si aan u aado baarlamaanka oo aan isaga soo baari lahaa cudurka Covid-19 aniga oo u hoggaansan tallaabooyinka adag ee looga hortaggayo cudurka safmarka ah"". Qaar ka mid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka ayaa dhaleeceeyay hadalka ah 'inuu si iskiis ah u kaxeysanayo baabuurkiisa. ""Siyaasiyiinta ma waxay u maleynayaan in baabuur kaxeynta ay tahay arrin weyn, maxaa ka khaldan dalkan?"" Xayiradda Covid-19 waxay horseeday in waaxda gaarsoorka ee Kenya ay ku shaqeyso nidhaamka Online-ka. Dadka ka faa'deystay arrintani waxaa ka mid ahaa nin lagu soo eedeeyay inuu suuq lagu dukaameysto ka xaday Kitaabka masiixiyiinta ee Bible-ka."" Kaddib dhageysiga dacwaddiisa oo ka socotay shaashad toos ah xilli ay booliska gacanta ku hayeen, waxaa sii deyntiisa ku dhawaaqay garsoore dhageysanayay kiiskiisa. Tallaaabadan waxay dowladda uga golleedahay in ay yareyso ciriiriga ka jiro xabsiyada si looga hortaggo faafitaanka Corona, waxaa sii deyntaas ka faa'ideystay maxaabiis loo heystay dambiyada fudud. *Magaca saxda ah ee dhakhtaradda ma aanan adeegsan sababtoo ah looma ogolo inay la hadasho warbaahinta." https://www.bbc.com/somali/war-52269748 +health "Maraykanka: Dacwad lagu oogay ""basaasiin"" Shiine ah oo xaday cilmi-baadhis Covid-19 ah" "Wasaaradda caddaaladda Maraykanka ayaa ku eedaysay Shiinaha inuu abaabulo dad jabsada kombuyuutarrada oo beegsaday shaybaadhada cilmi baadhiska ku wada talaallada Covid-19. Saraakiishu waxay dacwad ku soo oogeen laba nin oo Shiine ah oo lagu eedeeyey in ay basaasayeen shirkado Maraykan ah oo waday cilmi-baadhis ku saabsan fayraska korona isla markaana ay taageero ka helayeen sirdoonka dalkaas oo xataa ay xogo kale xadeen. Dacwadda raggan lagu soo oogay waxay soo baxday iyada oo Maraykanku dabogal ku hayo basaasiinta internet-ka ee Shiinaha. Sida uu TikTok u saameeyey Khilaafka Mareykanka iyo Shiinaha Shiinaha oo UK uga digay faragelinta ay ku hayso arrimaha Hong Kong Ingiriiska, Maraykanka iyo Canada ayaa sidoo kale todobaadkii hore Ruushka ku eedeeyey isku day xatooyo xogo cilmi-baadhiseed oo ku saabsan Covid-19. Dacwaddan lagu soo oogay ardaydaa hore u baranayey cilmiga Electrical Engineering-ka oo la kala yidhaa Li Xiaoyu iyo Dong Jiazhi oo la shaaciyey Salaasadii ayaa waxa ka mid ah xatooyo sir ganacsi. Xeer ilaalintu waxay sheegtay in labada nin ay basaaseen shirkad ku taal Massachusetts oo ka shaqaysa tiknoolajiyada dawooyinka bishii Jeeniweri, shirkadaas oo la ogaa in ay waday cilmi-baadhis ah in dawo loo helo Covid-19. Waxay sidoo kale oo xadeen xog ay lahayd shirkad kale oo ku taal gobolka Maryland todobaad uun ka dib markii ay sheegtay in ay cilmi-baadhis ku wado Covid-19. Xanuun ay mar 50 milyan oo qof u dhimatay oo haddana Shiinaha lagu arkay Saraakiishu waxay raggaa ku tilmaameen qawlaysato madax banaan oo mararka qaarkood taageero ka helayey saraakiisha mukhaabaraadka Shiinaha oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan wasaaradda nabad sugidda Shiinaha. Waxay hore u xadeen bilowgii sannadkii 2009 sir ganacsi oo ""boqolaal milyan oo doolar qiimaheedu yahay, xog hal-abuur iyo xogo kale oo ganacsi oo muhiim ah"" ayey sheegtay xeer ilaalintu. Dacwaddan oo lagu soo bandhigay gobolka Washington ayaa tibaaxday in labada nin oo haatan degan Shiinaha, in ay dhawaan ""isku dayeen in ay helaan goldaloolooyinka shabakadaha shirkadaha tiknoolajiyada dawooyinka iyo shirkadaha kale ee dawladda ee la ogyahay in ay ku hawlan yihiin tiknoolajiyada talaalka, dawooyinka iyo baadhitaanka Covid-19"". Dalalka kale ee shirkadahooda la beegsaday waxa ka mid ah Australia, Belgium, Germany, Japan, Lithuania, Netherlands, Spain, Sweden iyo UK. Sida dacwadda lagu soo oogay ragaasi tibaaxayso, waxa kale oo raggaa u suurto gashay in ay u dhacaan shirkad Ingiriis ah oo ka shaqaysa garaadka-dad-sameega ah, shirkad qandaraasyada gaashaan dhigga ka shaqaysa iyo shirkad Australia laga leeyahay oo ka shaqaysa tamarta qorraxda. Xeer ilaalintu waxay sheegtay in raggaasi ay mararka qaarkood keligood falalkaas iyaga oo dano shakhsi ah ka leh ku kacayeen, waxaana ka mid ahayd dhacdo ay shirkad baad kaga qaadeen xog gaara oo ay ka hayeen oo ay ku handadeen in ay faafin doonaan haddaan baad la siin. Laakiin marar kalena ""waxay xogo dano gaara laga leeyahay u xadeen"" dawladda Shiinaha. Sida la sheegay waxay xadeen xog milatari waxaanay dawladda Shiinaha siiyeen furayaasha sirta ah ee bogagga baraha bulshada qof u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda oo Hong Kong jooga horena uga qayb galay mudaharaadkii fagaaraha Tiananmen. Saraakiisha Shiinuhu ilaa haatan kama ay hadal eedayntan u dambaysay, laakiin hore way u beeniyeen eedaha ah xatooyada xogta hal abuurka." https://www.bbc.com/somali/war-53495266 +health "Islii iyo corona fayras: ""Islii keligeed ma ahan suuqyada dadka ku badan yihiin, go'aankanna waa eex""" "Xildhibaanka kamukunji ee Xaafadda islii ka tirsan tahay Yusuf Xasan ayaa si adag uga jawaabay go'aanka maanta ee dowladda Kenya. Wuxuu ku tilmaamay eex inuu yahay go'aankaas. ""Kumannaan qof oo kale ayaa halkaas u shaqo taga ama ka dukaameysta. Wasiirka Caafimadka ee dalka Kenya ayaa xayiraad guud ku soo rogay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi iyo qayb ka mid ah magaalada Mombasa. Labadaas goobood ayaa laga helay kiisas badan oo cudurka Coronavirus ah. Yuusuf Xasan, oo ah xildhibaanka degmada Kamukunji oo ay ka tirsan tahay xaafadda islii oo go'aanka diidan." https://www.bbc.com/somali/war-52559719 +health Coronavirus: Xabaal-wadareedyada la isugu geynayo Soomaalida ku dhimatay London Cabdullaahi Cali Hiraad oo ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa BBC Somali uga warramay xabaal-wadareedyada la isugu geynayo Soomaalida u dhimaneysa fayraska Covid-19 ee magaalada london. https://www.bbc.com/somali/war-52269745 +health Cuntooyinka aad u baahantahay in aad badsato marka aad gaarto 40 jir Cuntada waxay door weyn ka ciyaartaa nolosha aadanaha, waxaana loo baahan yahay in qofka uu qaato cuntooyin nafaqo leh. Dhakhaatiirta waxay dadka kula taliyaan inay qaataan cuntooyin isku dheelitiran oo nafaqo leh si sare loogu qaado caafimaadka. Mar kasta oo qofka da' sii noqonayo waxaa lagu la taliyaa in uu wax ka baddalo hab dhaqanka dhanka cuntada si loo xoojiyo difaaca jirka iyo arrimaha caafimaadka. Dr Sacdiya Muusa oo ah dhakhatar ku takhasustay arrimaha nafaqada kana howlgasha jaamacadda Ilorin Teaching Hospital ee Nigeria ayaa BBC u sheegtay in muhiim ay tahay in qofka uu wax ka baddalo cuntooyinka uu qaato marka uu gaaro 40 jir. Waxay sheegtay in qofka marka uu da' sii noqonayo uu halis ugu jiri karo inay ku dhacaan cudurrada. Waana sababta ay dadka da'da ah ugu baahan yihiin inay helaan cuntooyin isku dheelitiran oo caafimaad leh si u noqdaan dad leh jir xooggan oo caafimaad leh, sida ay sheegtay Dr Sacdiya. Waxay intaas ku dartay in haddii qofka uu iska indhotiro talooyinka caafimaad ee cuntooyinka marka da' yahay in halis uu ugu jiro inay ku dhacaan cudurro sida dhiig karka, sokorta. Dr Sacdiya waxay sheegtay in cuntooyinka soo socda looga baahan yahay in qofka uu qaato marka uu 40 jir gaaro. Ma jiraan cuntooyin sare u qaadi karo hammada? Cuntooyinka madaxweynaha Uganda ka caawiyay inuu iska rido 30 kiilo Soomaali 81 jir ah oo cuntooyinka afurka ku iibiyo Hargeysa Dhakhaatiirta waxay soo jeedinayaan in dadka ay dib usoo celiyaan cuntooyinkii hore sida haruurka maadama aysan ku jirin wax kimiko ah isla markaana ay caafimaadka u wanaagsan yihiin. https://www.bbc.com/somali/war-58774458 +health Maskaxdii ugu da'da weynayd abid oo la helay "“Maskaxdii ugu da’da weynid abid ee noolaha laf dhabarta leh oo bed qabta” ayaa laga helay hadhaadiga kaluun da’diisa lagu qiyaasay 319 milyan oo sano. Hadhaadigan ayaa laga helay meel dhuxusha laga qodo oo ku taal gobolka Lancashire ee dalka Britain ka hor wax qarni ka badan, waxaanu intaas ku kaydsanaa keydka madxafka ee magaalada Manchester. Cilmi-baaris ay sameeyeen kooxo ka socda jaamacadaha Birmingham iyo Michigan ayaa ogaaday in madaxa kaluunkan ay ku jiraan maskax iyo neerfayaasha 'cranial' loo yaqaan. Sam Giles oo ku takhasusay cilmiga noolayaasha ayaa sheegay in ""helitaankan lama filaanka ah"" uu kusoo kordhiyay ""faham la yaab leh"" qaabka ay maskaxdu u samaysanto. Qalfoofka kalluunka hadda dabar go’ay ayaa markii hore laga soo saaray lakabka dhagaxa saabuunta ee saqafka sare ee halka macdanta laga qodo ee Lancashire, waxaana markii ugu horreysay si cilmiyeysan loo sharraxay 1925-kii. In kasta oo madaxa oo keliya la soo helay, haddana saynisyahanno ka socda Jaamacadda Birmingham (UoB) iyo Jaamacadda Michigan (UoM) waxay rumaysan yihiin in dhererka kaluunkani noqon lahaa 15 ilaa 20 sentimitar oo ay u badan tahay inuu ahaa mid ka mid ah noolaha hilibka oo kali ah cuna. Wakiil ka socda jaamacadda Birmingham ayaa sheegay in unugyada jilicsan sida maskaxda oo kale ay si dhakhso ah u qudhmaan oo ay ""naadir tahay inay noqdaan hadhaadi badbaada"", balse markii kalluunkani dhintay, ""malaha si dhakhso ah ayuu ugu aasmay xumbo ay ogsijiintu ku yartahay"" sida bay'adahan oo kale ""oo gaabis ka dhiga burburka iyo inay wax yeelloobaan qaybaha jidhka ee jilicsan"" . Waxay sheegeen in qalfoofka madaxan uu yahay nooca kaliya ee la yaqaan illaa hadda ee noociisa ah, sidaa darteed kaliya farsamooyin aan burburinayn ayaa la isticmaalay intii ay daraasaddu socotay. Waxa ay intaa ku dareen in kooxda cilmi-baadhistu aanay maskax raadinaynin markii hore ee ay baadhayeen lafmadaxeedka kaluunka, balse ay mar dambe heleen wax gaar ah oo leh calaamado laga helo maskaxda laf dhabarta, sida lafta laba geesoodka ah iyo duleel u eg kan gudaha lafta dhabarka. Dr Giles ayaa sheegay in ""helitaanka lama filaanka ah ee maskaxda laf dhabarta oo saddex geesoodka ah oo bad qabta ay ina siinayso aragti yaab leh oo ku saabsan cilmiga qaab dhismeedka neerfaha ee kalluunka nooca baalasha leh"". ""Waxay inna tuseysaa hab-nololeedka maskaxda oo ka qoto dheer marka loo eego sida ay u sameysanyihiin maskaxda noocyada noolaha oo aan hadda naqaan, taas oo noo oggolaanaysa inaan si wanaagsan u qeexno sida iyo goorta ay lafaha kaluunka manta jira kobceen,"" ayuu raacisay. Cilmi-baaraha jaamacadda Michigan Rodrigo Figueroa ayaa yiri ""hadhadiga marka korka laga eego aan xiiso saas ah lahayn iyo kuwa yar yar aanay kaliya ina tusayn tusaalaha ugu da'da weyn ee maskaxda laf dhabarta, balse sidoo kale waxay muujinaysaa in wax badan oo aan u haysannay qaabka maskaxdu u kobocday ee noocyada noolayaasha ay u baahan doonaan dib-ugashaqayn ""." https://www.bbc.com/somali/articles/cek3j10818lo +health "Covid-19: UK oo Imaaraatka ku dartay ""liiska cas""" "Imaaraatka Carabta, Burundi iyo Rwanda ayaa lagu daray ""liiska cas"" ee dalalka laga mamnuucay in dadkoodu ay safarro ku tagaan UK. Tallaabada,oo looga gol leeyahay joojinta faafitaanka nooca cusub ee Coronavirus ee ka soo unkamay Koofur Afrika, ayaa dhaqan galaysa maanta oo Jimco ah. Dadka u dhashay Britain, Ireland iyo kuwa xaqa degganaanshaha ku leh Ingiriiska ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan dalkaas balse waxay ku qasban yihiin inay muddo 10 maalmood ah guriga isku karantiilaan. Tiro ka tirsan dadka caanka ka ah baraha bulshada ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay booqday Dubai iyadoo UK ay mamnuucday safarrada aan muhiimka ahayn. Waxay ku adkeysteen in safarradooda ay ahaayeen kuwo shaqo, balse Waaxda Gaadiidka ayaa sheegtay inaysan jiri doonin cid loo eegayo xaalad gaar ah, sida safarrada shaqada ku saabsan. Sidoo kale waxaa la mamnuuci doonaa duullimaadyada sida tooska ah uga timaada Imaaraatka Carabta. Imaaraatka Carabta wuxuu ahaa halka ugu badan ee ay dalxiiska ku tageen dadka UK bishii November 2020, iyadoo 84,500 oo rakaab ah ay isaga kala gooshayeen dalkaas, sida laga soo xigtay Waaxda Duullimaadka Cirka. Dalalka kale ee ay muwaaddiniinta UK sida aadka ah u booqdeen waxaa ka mid ah Hindiya (54,000), Qadar (38,000) iyo Vietnam (36,000). Imaaraatka ayaa dalkii 33-aad ku noqonaya dalalka ay UK ka mamnuucday safarrada. Laga bilaabo maanta saacadda marka ay tahay 04:00 dhammaan dadka ka imaanaya dalalkaas ayaa ku qasbanaan doona inay si degdeg ah isu karantiilaan, lagamana oggolaan doono inay baaritaan isku sameeyaan si ay uga baxaan karantiilka. Wasiirka Gaadiidka UK Grant Shapps ayaa sheegay in rakaabka loo oggolaado inay galaan UK laga doonayo warqad caddeyneysa inaysan fayraska qabin iyo inay buuxiyaan foomka rakaabka, haddii kalena laga qaadi doono labo ganaax oo min £500 ah. Muwaaddiniinta Britain ee haatan ku sugan Imaaraatka Carabta ayaa loo oggol yahay inay adeegsadaan habka ay ku imaan karaan UK, sida ay sheegtay Waaxda Gaadiidka. Maamulka Garoonka Dubai ayaa sheegay in dhammaan duullimaadyada tooska ah ee lagu waday inay UK tagaan abbaaro 13:00 maanta oo Jimco ah dib loo dhigay rakaabkana loo sheegay inaysan imaan garoonka. Shirkadda Etihad Airways ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan duulimaadyadeeda rakaabka ee aadi lahaa UK la joojin doono xilligaas ilaa maar dambe. Waxay arrintan ku soo aadeysaa kaddib markii ay dowladda UK Arbacadii ku dhawaaqday shuruuc adag oo safarka ah. Maalintii shalay ahayd, 1,239 oo qof oo dheeraad ah ayaa ku dhintay UK muddo 28 gudahood ah." https://www.bbc.com/somali/war-55851408 +health Daraasad 'talo muhiim ah' kasoo saartay shahwada ragga geeriyooday "Daraasad laga soo saaray UK ayaa ku talisay in la oggolaado ku deeqista shahwada laga qaado ragga geeriyooday. Khubarada sameeyay cilmibaaristan, oo lagu daabacay wargeyska arrimaha caafimaadka, ayaa sheegay in deeqaha lagu bixiyo xubnaha iyo unugyada taranka ee dadka geeriyooday ay wax weyn kusoo kordhinayaan dadweynaha. Sanadkii 2017-kii, UK waxaa ku dhalatay 2,345 carruur ah oo ka abuurmay shahwo lagu deeqay. Hase ahaatee, waxaa marba marka ka dambeysa sii yaraanaya deeqda noocaas ah ee waddanka laga helo, sababo la xiriira shuruucda loo maro oo aad u adag. Shahwada ragga ayaa laga qaadi karaa marka ay dhintaan ka dib, iyadoo lagu qaadi karo habab kala duwan, sida in koronto la adeegsado ama qalliin lagu sameeyo. Marka la qaado ka dib ayaa la keydin karaa, waxayna khubarada seyniska aaminsan yihiin in ay shaqeyn karto. Caddeyn lagu helay daraasadda ayaa muujineysa in shahwo laga soo saaray nin nintay, xitaa 48 saacadood ka dib geeridiisa, ay wali unugyadeeda noolaan karaan, haweeneydii lagu tallaalana ay uur ku qaadi karto, sidoo kalena dhali karto ilmo caafimaad qaba. Intii ay socotay falanqeynta, Dr Nathan Hodson, oo ka tirsan jaamacadda Leicester iyo Dr Joshua Parker, oo ka socda isbitaalka Wythenshawe ee magaalada Manchester, ayaa ku dooday in arrinta shahwada laga qaado ragga dhintay ay la mid tahay xubnaha kale ee deeq ahaanta loo bixiyo. ""Haddii niyad ahaan loo aqbali karo in shakhsiyaadka ay ku deeqi karaan xubnahooda muhiimka ah si loogu tallaalo 'dad kale oo noloshooda ugu baahan' ama ay cudurro ku dhaceen, uma jeedno wax sabab ah oo aan loo sii ballaarin karin deeqaha noocaas ah, looguna xoojin karin"", ayey ku dhaheen dooddooda. ""Hase ahaatee, waxaa ka dhalan kara su'aalo badan oo la xiriira dhinaca qoysaska, waxaana jira walaac ku aaddan sida loo qarin karo aqoonsiga qofka deeqda bixiyay"", ayey sii raaciyeen hadalkooda. Sanadkii 2014-kii, bangi qaran oo lagu keydiyo shahwada, kana howlgalaya UK ayaa laga furay magaalada Birmingham, dowladda ayaana siisay lacag dhan £77,000. Wax ka yar labo sano ka dib, bangigaas ayaa albaabbada xirtay, wuxuuna joojiyay qabashada deeqaha. Sagaal qof oo kaliya ayaa iska diiwaan galisay bangigaas, kuwaasoo mid ka mid ahna uu goor dambe ka laabtay go'aankiisa. Tan iyo sanadkii 2005-tii, sharciga waddanka ayaa dhigaya in dadka shahwadooda ku deeqa ee UK ay ku khasban yihiin inay aqbalaan xeer ah inay carruurta ku dhasha deeqdooda la soo xiriiri karaan marka ay da'doodu gaarto 18 sano. Nin horay deeqdaas u bixiyay, oo lagu magacaabo Jeffrey Ingold, kana soo jeeda magaalada London, ayaa BBC-da u sheegay inuu aaminsan yahay in oggolaanshaha shahwada la bixiyo geerida ka dib ay rag badan ku qancin lahayd inay deeq bixiyeyaal noqdaan. ""Iima muuqdo wax ka fiican in la soo jeediyo nidaam deeqda shahwada ka dhigaya mid la mid ah xubnaha kale ee lagu deeqo"", ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: ""Aniga ahaan inaan shahwadeyda deeq ahaan u bixiyo igama ahayn inaan carruurta ka dhalaneysa daneeyo, laakiin ujeeddadeydu waxay ahayd inaan caawiyo saaxiibbada u baahan"". ""Waxaa kale oo ay ila tahay in qaabkan loollan lagu galin karo fikradda ay bulshada ka qabto ku deeqista shahwada"". Sanadkii 1997-kii, haweeney ayaa ku guuleysatay xaqa ay u leedahay in loo oggolaado go'aan ay ku dooneysay in shahwo looga qaado ninkeeda oo geeriyooday. Stephen Blood ayuu cudur madax xanuun daran ah ku dhacay bishii February ee sanadkii 1995-kii, labo bilood ka dib markii uu billaabay isku dayga ah inuu qoys la yagleelo xaaskiisa Diane. Wuxuu kooma galay, uuna geeriyooday ka hor inta uusan hab qoraal ah ku oggolaanin heshiis ku saabsanaa in shahwadiisa la isticmaalo, inkastoo markii hore codsigiisa looga qaaday labo tijaabo oo shahwo ah. Sanadku markii uu ahaa 1990-kii, sharciga taranka bani'aadanka ayaa Mrs Blood ka mamnuucayay inay shahwada seygeeda isticmaasho isagoo aan laga heynin ogolaansho qoraal ah. Hase ahaatee, maxkamadda racfaanka ayaa markii dambe xukuntay in Mrs Blood loo ogolaado inay tarankeeda ku sameysato Yurub, laakiin aysan ku sameynin gudaha UK. Mrs Blood ayaa sanadkii 2002-dii dhashay wiil ay ku magacowday Joel - kaasoo uurkiisa ay ku yeelatay markii lagu tallaalay shahwadii la keydiyay ee seygeeda. Sanadkii xigayna waxay ku guuleystay kiis maxkamadeed oo ay ku dooneysay in cunugeedda aabihiis loo aqoonsado seygeedii geeriyooday." https://www.bbc.com/somali/war-51192929 +health UK: Dood ka dhalatay mamnuucidda qalliinka lagu soo celiyo bikrada haweenka "Qorshaha meesha looga saarayo qalliinka lagu soo celiyo bikrada haweenka ee England iyo Wales ayaa baarlamaanka la horkeenay. Xildhibaanka muxaafidka ah ee Waqooyi Galbeed Durham, Richard Holden ayaa miiska soo saaray qodob ku saabsan Sharciga Caafimaadka iyo Daryeelka, kaas oo doonaya in la mamnuuco labada habraac. Marka uu hindisahaan meelmaro, dhakhaatiirta ama umulisooyinka fuliya qalliinada noocaan ah waxay mutaysan karaan xabsi. Qaarkood waxay ka baqayaan in haddii dambi laga dhigto qalliinada lagu soo celiyo bikrada ay xabsi galaan, si kastaba ha ahaatee khubarada caafimaadka ayaa sheegaya in qalliinka bikrada dib loogu soo celinayo uu yahay xadgudub aan cilmi ku dhisneyn. Laakiin dhinaca kale waxaa jira walaac laga qabo in haddii nidaamkaas la mamnuuco ay sii kordhi karto khatarta ay haweenku qoysaskooda ka wajahaan. Hawenka qalliinnada noocan ah lagu sameeyo ayaa la sheegay in kuwo badan oo ka mid ah ay yihiin Muslimiin, oo kasoo jeeda qoysas ku adag dhaqanka, waxayna halis ugu jiraan in la deyriyo, ama xitaa mararka qaar laga yaabo in la dilo, haddii ragga guursaday ama xubno ka tirsan qoysaskooda ay ogaadaan inay galmo soo sameeyeen guurka ka hor. Bulshooyin badan ayaa aaminsan in haweenka marka ay aqal galayaan ay ahaadaan kuwo aan horay gogol kale usoo marin, taasina ay tahay sida kaliya ee ay sharaftooda ku caddeyn karaan. Isbitaallada ku yaalla UK ee qalliinnada ku sameeya xubnaha taranka ee haweenka ayaa halkii qofka ka qaada lacag dhan £3,000, waxayna howsha dhakhtarka socotaa muddo hal saac ah. Ururrada u dooda xuquuqda dumarka ayaa sheegay in isbitaallada noocaas ah ay kharash badan ka faa'iidaan haweenka muslimiinta ah ee ka cabsi qaba ""inay ceeboobaan habeenka aqalkgalka"". BBC-da ayaa la xiriirtay mid ka mid ah isbitaalladaas, laakiin wax jawaab ah lagama helin. Hase ahaatee, Dr Naomi Crouch, oo guddoomiye ka ah ururka dhakhaatiirta haweenka ee Britain, ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay gabdhaha iyo haweenka lagu khasbayo hannaan aysan wax faa'iido caafimaad ah ku jirin. ""Waajibaadka dhakhaatiirta waa lagu caddeeyay xeerka u yaalla ururka ay leeyihiin midowga dhakhaatiirka haweenka"", ayey tiri. Colin Melville, oo ah agaasimaha arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada ee ururka dhakhaatiirta haweenka, ayaa sheegay in dhakhtar walba uu ku khasban yahay inuu eego waxa ay haweeneydu raalli ka tahay oo ay iyada dalbatay. ""Haddii qofka bukaanka ah waxa uu sameynayo ay ku kallifayaan cadaadisyo dad kale uga imaanaya, markaas laguma tilmaami karo wax uu raalli ka yahay qofku. Haddii uu dhakhtar xaqiijiyo in cunug ama qof dhalinyaro ah uusan shakhsi ahaan raalli uga ahayn waxa lagu sameynayo, markaas waa inaan la fulinin qalliinka"", ayuu yiri. Qolyaha ol'olaha sameeya ayaa sheegay inaan wax badan laga ogeyn saameynta xilliga fog ah ee ay qalliinnadan ku yeelan karaan haweenka la mariyo. Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen in dumarka qalliinnadaas dalbada aysan helin la talin ku filan, ka hor inta aan la guda galin howsha. Miss Taheri waxay tiri: ""Haweenkan waxay gaareen heer ay isu arkaan alaab ay dad kale leeyihiin, halkii ay iska soo qaadi lahaayeen inay bani'aadan yihiin"". ""Dumarka Muslimiinta ah, waxa cadaadinaya waa dareen ceeb ka carar ah iyo inay ka baqayaan ciqaab"". ""Kuwa kalena, waxaa ku kallifaya kalsooni darro ay ku qabaan jirkooda""." https://www.bbc.com/somali/war-57877748 +health "Coronavirus: ""Waxaan qabri u sii diyaarinayaa dadkii oo nool""" "Golaha hose ee dowladda Britain ayaa isku diyaarinaya in fayraska Corona ay u dhintaan dad cusub oo isbitaalada u jiifa qeybta xaaladaha deg dega ah. Clive Kalber waxay kanisadda parish ee ku talla Cornwall ka codsaday inuu qodo qabriyo dheeri ah oo lagu aaso dadka u dhimanaya Coronavirus. ""Waa shaqo ay tahay inaan sameyno, waxaa nasiib darro ah in tan ay tahay xaaladda dhabta ah ee hadda aan ku jirno,"" ayuu yiri Mr Clive Kalber. Guud ahaan, Britain waxay isu diyaarineysaa latacaalidda haddii xaaladda ay sii xumaato iyadoo tirada dadka uu ku dhacay cudurka ay mareyso ku dhowaad 53 kun, halka 5385 qof ay fayraska u dhinteen. ""Waxaan qodaa qubuuraha, waxaana sidoo kale dayactir ku sameeyaa qabriyada, qof walbo uma sahlana, waxay ila tahay inay dadka qaar moodayaan inay la kulmi donaan waxaysan filaneynin, taasi aad ayey u walbahaar badantahay, ma jecli inay ku fikiraan khabri, ma aysanna jeclaan lahayn inaay xita qodaan, balse aniga, culeys igu ma hayso qodidda qabriyada.'' Clive Kalber wuxuu diyaarinayaa 4 qabri oo dheeri ah, oo lagu tallo galay in haddii ay dhintaan lagu aaso dadka la xanuunsan fayraska corona ee hadda isbitaalada ku jira. ""Runtii dad badan ayaa isku diyaarinaya oo qodayo qabriyo dheeri ah, iyo qabuuro haddii loo baahdo lagu xabaali karo dad badan, waxaan mar walbo xaqiijiyaa inay wax walba diyaar yihiin. Waa mid ka mid ah waxyabaha aad isku dayi karto in aad si wanaagsan ugu hagaajiso qoysaska dadka ay ka geeriyoonayaan, xushmad ayey ii tahay"", Ayuu yiri Mr Clive Kalber. Clive Kalber ayaa sheegay inaysan waligiis dhicin inuu sii qodo qabri qofkii lagu duugi lahaa uu weli noolyahay. ""Waligey arrintan maanan sameynin, dhabtii waa wax xanuun badan, in qabri aad u sii qodid dad aanan weli dhimanin. Waxay ka mid tahay dhacdooyiinka xanuunka badan ee dhacay waqtiga lagu jiro xaaladda adag, waxaan rajeynayaa inaan qabriyadan aanan isticmaalin oo dadku ay iska nooladaan''. UK ayaa la tacaaleysa cudurka Covid-19. Raisul wasaaraha dalkaasina, Boris Johnson ayaa la seexiyay isbitaal ka dib markii xaaladdiisa ay sii adkaatay. Horay ayuu Rai'sul wasaaraha Britain, Boris Johnson, ugu sheegay warbaahinta, in uusan wax walaac ah ka qaban in uu dadka gacanta ku salaamo, xiili uu Britain cudurka ku sii faafayay, wuxuu ku dooday in muhiimadda ay tahay in qofka uu gacanta dhaqdo. Cudurka saf-marka ee Corona ayaa dowladaha caalamka wuxuu ku qasbay in ay u kala cararaan sidii ay u xakamayn lahaayeen faafidiisa. Cudurka ayaa waxaa uu soo ritay in ka badan 1.3 milyan oo qof, halka ay u dhinteen in ka badan 74,000 qof, guud ahaan caalamka." https://www.bbc.com/somali/war-52199836 +health Saddex wakhti miyaan u baahanahay in wax cunno maalintii? "Laga yaaba in aad cunto saddex jeer maalintii, Nolosha casriga ah waxay ku dhisan tahay nidaamka cunto ee noocan oo kale ah, Waxaa naloo sheegay in quraacdu ay tahay cuntada ugu muhiimsan maalinta iyadoo qadada iyo cashada ay tahay cunto inta badan lala qabsaday. Ka hor inta aan la tixgelin inta jeer ay tahay in wax la cunno, saynisyahannada waxay naga codsanayaan in aan ka baaraan degno wakhtiga la cunteynayo. Ugu yaraan 12 saacadood haddii qofka uusan waxbo cunin waxay oggolaanaysaa habdhiska dheefshiidka inuu nasto,, sida ay sheegtay Emily Manoogian, oo ah cilmi-baare caafimaad oo ka tirsan machadka Salk ee qaabilsan daraasaadka Bayolojiga kuna yaalla (California, USA) ahna qoraaga maqaal cilmiyeed soo baxay 2019 oo cinwaankiisa yahay ""Markaad wax cunayso "" Rozalyn Anderson, oo ka tirsan kuliyadda dawooyinka iyo caafimaadka dadweynaha ee Jaamacadda Wisconsin , ayaa daraasad ku sameysay faa'iidooyinka laga helo xaddidaadda cuntooyinka qofka tamarta siiyo taas oo la xiriiriyay hoos u dhigidda xasaasiyadda jirka. ""Cuntada oo muddo kooban laga soomo waxaa jirka geliyaa xaalad kale, halkaas oo uu aad ugu diyaargaroobo hagaajinta iyo la socodka waxyeelada, sidoo kale wuxuu baabi'iyaa borotiinnada dheefshiidka xun"". ayuu yiri. Barootiinadaas dhaawacmay ayaa lala xiriiriyay dhowr cudur. Anderson waxa uu ku dooday in soonka uu aad ula jaan qaadayo jirkeena, wuxuu xusay in jirkeena uu keydiyo cuntada iyo tamarta aan u baahanahay iyadoo uu dardargelinayo habka uu jirkayaga u soo saaro tamarta. Antonio Paoli, oo ah borofisar cilmiga jimicsiga iyo ciyaaraha ka dhiga jaamacada Padua ee ku taalla (Talyaaniga), ayaa tilmaamay in soonka uu sidoo kale xoojin karo jirkeena, maadaama gulukoosta dhiigeenu ay korodho cuntada kadib. Waxa uu intaa ku daray in heerka sonkorta dhiigga ee hooseeya uu kuu ogolaanayo inaad jirkaaga aad ku kaydiso dufan yar. ""Daraasadda aan sameynay waxay muujineysaa in xilli hore la casheeyo ama in saacado badan la soonaado ay saameyn togan ku yeelan karto jirka,"" ayuu yiri Paoli. Khabiirku waxa uu intaa ku daray in ay u wanaagsan tahay dhammaan unugyada si hoos loogu dhigo heerka sonkorta ee dhiigga. Haddaba haddii soonka yahay habka ugu wanaagsan ee ka shaqeynayo caafimaadka, imisa jeer ayaa wax cuni kartaa maalintii? Khubarada qaar ayaa sheegaya in ay wanaagsan tahay in la cuno hal cunto maalintii, waxaana kamid ah dadka arrintaas qabo David Levitsky, oo ah borofisar wax ka dhiga Jaamacadda Cornell ee New York. Cuntooyinka aad u baahantahay in aad badsato marka aad gaarto 40 jir Maxaa loo dhiiragelinayaa cunista cayayaanka? Sidee cuntada warshadaysan u sababi kartaa geeri degdeg ah? Horraan dadka waxay maalintii cuni jireen hal mar, waxaana dadkaas kamid ah Roomaaniyiintii hore, kuwaas oo cuni jiray qadada duhurkii oo kaliya ah, sida uu qabo taariikhyahan qaabilsan cuntada oo lagu magacaabo Seren Charrington-Hollins. In maalintii hal jeer aan wax cunno, gaajo inooma horseedeyso, ayuu yiri Levitsky, sababtoo ah gaajada inta badan waa dareen nafsi ah. Laakiin Emily Manoogan kuma talinayso in la cuno hal cunto oo keliya maalintii, sababtoo ah tani waxay kordhin kartaa heerarka gulukooska dhiigga marka qofku aanu wax cunin. Heerarka sokorta dhiigga ee aadka u sarreeya ayaa ah arrin halis u ah nooca 2aad ee sonkorowga. Manoogan waxay soo jeedinayaa si hoos loogu dhigo heerka gulukoosta jirka in loo baahan tahay in la cuno wax ka badan hal mar maalintii maadaama arrintaas ay jirka ka ilaalinayso gaajada, wuxuu qofka helayaa gulukoos badan marka uu wax cuno. Waxay sheegtay inay wanaagsan tahay in qofka maalintii uu labo jeer ama saddex jeer uu wax cuno. Cuntada badan ee habeenkii la qaato waxaa la xiriiriyaa cuntada wadnaha iyo sokorta." https://www.bbc.com/somali/61206618 +health Koonfur Afrika oo xuduudeeda furaysa halistii safmarka oon hoos u dhicin "Koonfur Afrika ayaa sheegtay in ay Isniinta dib u furi doono 20 goobood oo ku yaal xadka ay la leedahay dalalka jaarka ah oo bishii hore loo xidhay si looga hor tago fiditaanka fayraska korona. Go'aanka waxa lagu gaadhay shirkii golaha wasiirada ee Sabtidii. Koonfur Afrika waxa si xun ugu dhuftay laba kaclaynta safmarka korona oo loo aanaynayo fir cusub oo fayraska ah. Lujayn Al-Hadluul: Haweenayda summadda u noqotay cabudhinta mucaaradka ee Sucuudiga Maxay tahay sababta eygan loo siiyay shanta milyan ee doollar? Tirada dadka uu ku dhacay cudurku ee dalkaasi xaqiijiyey ayaa haatan ah ku dhawaad hal milyan iyo badh iyo 47,000 iyo dheeraad qof oo u geeriyooday, sidaasna wuxuu dalkaasi ku yahay dalka Afrika ugu dhimashada badan. Dunida guud ahaan tirada dadka fayrasku ku dhacay tan iyo bilowgii cudurkan dhamaadkii 2019 waxay haatan tahay 108 milyan oo qof, wadarta guud ee dhimashaduna waa laba milyan iyo saddex boqol oo kun, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanku. Sabtidii ayaa xukuumaddu shaacisay in xadka dalku la leeyahay wadamada Zimbabwe, Botswana, Mozambique, Namibia, Lesotho iyo Eswatini la furi doono. ""In dadka ka soo gudbaya xuduudda dalkeena si feejigan loo maareeyaa waxay qayb ka tahay qorshaha xakamaynta iyo yaraynta halista fiditaanka cudurka Covid-19"" ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha, Aaron Motsoaledi. Laakiin wasiirku wuxuu digniin ku sheegay in dhamaan dadka doonaya in ay xadka ka tallaabaan ay sitaan caddayn muujinaysa in muddo gaaban ka hor laga baadhay cudurka oo aanay qabin. Berri ma dhici doonaa shirkii doorashada, halkeese lagu qaban doonaa? Maxkamadda ICJ oo ku gacanseyrtay codsigii Kenya ee dib u dhigista dacwadda badda Motsoaledi wuxuu sheegay in isaga qudhiisu tagi doono afarta goobood ee xadka ugu hawlaha badan, si uu indhihiisa ugu soo arko qaabka loo maaraynayo dadka socdaalka ah. Koonfur Afrika waxay xidhay soohdimaha ay la leedahay wadamada jaarka ah 11 Jeeniweri markii la helay firka cusub ee fayraska korona. Dhawr dal ayaa waagaa iyaguna xayiraad socdaalka ah ku soo rogay wadanka Koonfur Afrika." https://www.bbc.com/somali/56062784 +health Arrimaha sababa dibbirada caloosha iyo nooc ka mid ah kansarka Waa wax iska caadi ah inaad dareento in calooshaadu ay sida banooniga u taagan tahay, dareen ah inay calooshu ku buuxdo adiga oo laga yaabo inaadan wax badan cunin. Barar waa weynin la dareemi karo oo caloosha ah. Caloosha waxaad ka dareemeysaa inay ku buuxdo mana dareemeysid nafis. Waxaa intaa dheer isbeddel jireed oo muuqda, waxaana laga yaabaa inay wehliyaan calool-xanuun, diiqad amaba dhawaaq. Arrintan waxaa laga yaabaa inay sababeen waxyaabo badan. Qaarkood waa kuwo fudud, oo la daweyn karo, waxaa ku filan inaad wax ka beddesho cuntadaada. Kuwa kale ayaa laga yaabaa inay adag tahay in la fahmo iyagoo laga yaabo inay la xiriiraan dhibaatooyin dhanka difaaca jirkeenna ah amaba ay astaan u yihiin nooc kansarka ka mid ah. Waxaan halkan idinjugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah sababaha dibbirada, waa kuwee calaamadaha ay tahay inaan ku baraarugno iyo waxa ay tahay inaan beddelno si aan uga taxadarno dibbirada. Ma la dhihi karaa Hawo? Maya Sababta ugu weyn ee dibbirada ayaa ah in gaas badan uu ku jiro mindhicirradaada. NHS, Waaxda Caafimaadka Qaranka ee UK, ayaa tilmaameysa in tani ay sababi karaan cunnooyin iyo cabitaanno amaba inaad qaadatay hawo badan. Sababta labaad ee ugu badan ayaa ah calool-istaag, taasoo laga yaabo inaynaan ka war helin sababtoo ah ma aha keliya inaadan in badan saxaroon. Xarunta Caafimaadka Johns Hopkins ayaa sheegtay in haddii aad la daalaa dhacayso inaad saxarooto, haddii saxaradaadu ay sida dhagaxa tahay, amaba haddii aadan dareemin in calooshu eber ku tahay kaddib markaad saxarooto, inay markaas calooshu ku fadhiso. Dhammaanba waxyaabahan ayaa sababi kara calool-xanuun iyo dibbiro. Sababtoo ah muddada dheer ee ay saxaradu ku daahdo caloosha, waa inta ay fursad badan u siineyso bakteeriyadu inay ku dhalato caloosha, taasna waxay keentaa gaas iyo dibbiro. Bakteeriyo badan amaba saxaro la’aan Sabab kale oo ka dambeysa dibbirada ayaa ah SIBO, amaba bakteeriyo yar oo mindhicirrada ku dhalata. Waa bakteeriyo dheei ah waxayna timaaddaa marka bakteeriyada mindhicirka ay u gudubto kuwa yaryar. SIBO ayaa timaadda kaddib dhibaato ka dhalatay qalliin caloosha ah amaba dhibaato ka jirta hannaankeenna dheef-shiidka, sida laga soo xigtay Mayo Clinic. Irritable bowel syndrome, oo ah xaalad inta badan saameysa dheef-shiidka, ayaa dadka qaba waxay u nugleyn kartaa gaaska iyo xanuun badan, sida calool-qabad, shuban amaba calool-fadhi iyo dibbiro. Waxa dhabta ah ee sababa irritable bowel syndrome lama yaqaan, balse NHS ayaa sheegeysa in lala xiriiriyo sida cunno si boobsiis ah ku gashay caloosha, neerfooyin xasaasi ah oo caloosha dhexdeeda ah, qulub amaba dhaxal dhanka qoyska ah. Sabab kale oo keeni karta inaan dibbiro dareenno ayaa ah gastroparesis, oo ah cudur saameeya murqaha caloosha sababana in dhaqdhaqaaqoodu uu is beddelo. Waxaa laga yaabaa in dhaqdhaqaaqoodu uu yaraado amaba istaago, taasoo keenta in calooshu ay waqti dheer ku qaadato inay marnaato. Lama yaqaan waxa sababa gastroparesis, balse Mayo Clinic ayaa sheegtay in kaddib qalliinka, dhibaatooyin xanuunka macaanka uu keenay amaba qaadashada dawada isku-buuqa, dhiig-karka amaba xasaasiyad ayaa sababi kara xanuunkaas. Waxyaabaha qaar oo qofka dhibaya iyo hoormoonnada Mararka qaar, kaddib bararka, waxaa jiri kara cuntooyinka qaar inaadan u dulqaadan. Ma aha keliya inaad cabtay cabitaannada sida kookada, balse cuntadan waa mid ay adag tahay inay shiiddo caloosheenna. Wxyaabaha qaar ee caadiga ah ee ka dambeeya dibbirada waxaa ka mid ah cunnooyinka ay ku jiraan maaddooyinka lactose, fructose, carbohydrates sida qamadi, amaba digir. Sidoo kale, sida ay qeexeyso NHS, waxay calaamad u noqon kartaa cudurka celiac, oo ah xaalad sababeysa in difaaca jirka uu weeraro xiidmihiisa haddii aan cunno wax u uku jiro gluten, oo ah borotiin inta badan laga helo badarka, sida qamadiga. Tan ayaa dhaawaceysa xiidmaha yaryar, taasoo u diideysa inay nuugaan nafaqooyinka, wuxuuna qofku isku arkayaa calaamadaha sida shuban, xanuun caloosha ah iyo dibbiro. Sida gaaska oo kale waxaa ah bararka ka dhasha hoormoonnada caadada haweenka. Ilaa saddex ka mid ah afartii haween waxay isku arkaan dibbiro kahor amaba inta uu u joogo dhiigga, sida laga soo xigtay Cleveland Clinic. Waxaa sidoo kale jira is bed bedelka hoormoonnada kahor inta aysan haweeneydu caadada ka guurin. Hoormoonnada dumarka ayaa keeni kara dibbiro iyadoo dhowr sababood loo aaneynayo. Tusaale ahaan, hoormoonka estrogen ayaa sababa dheecaanka oo caloosha ku negaada, isla hoormoonkan iyo progesterone ayaa dedejin kara amaba hoos u dhigi kara dhaqdhaqaaqa murqaha caloosheenna, taas beddelkeedna, waxaa jira weynaanshaha minka kahor dhiigga caadada. Mararka qaar bararka aan degeyn ayaa calaamad u noqon kara arrin khatar ah, sida dhibaatooyin minka ka jira, amaba xitaa kansarka ku dhaca ilmo-galeenka, marka waa muhiim inaan mar walba sameyno baaritaan joogto ah. Sidee loo dejiyaa bararka? Haddii aadan weli ogeyn sababta aad u dareemeyso dibbiro, waa muhiim in marka ugu horreysa aad sameyso isbeddel ku saabsan waxa sababi kara. Waaxda Caafimaadka UK ayaa ku talineysa in la sameeyo jimicsi joogto ah si loo hagaajiyo dheef-shiidka iyo in la duugo caloosha iyadoo midig laga bilaabayo oo bidix lagu geynayo si looga saaro hawada ku xannibmatay haddii sababtu ah gaas tahay. Haddii aad lacalla dareemeyso calool-fadhi, inaad cunto cunnooyinka ay ku badan tahay fiber-ka iyo khudrad iyo inaad cabto biyo badan ayaa ku caawin kara. Waxyaabaha ay tahay inaad ka fogaato waxaa ka mid ah cabitaannada fudud, aalkolada amaba kafeyga, shaaha, cunnooyinka dufanta leh iyo kuwa la warshadeeyay, kuwa sokorto ku badan tahay amaba basbaaska. Marka cuntada la cunayana, waxay dhaqaatiirtu ku talinayaan inaan cunno badan hal mar la cunin, balse in yaryar loo qaato waqtiyo kala duwan, in lagu dhex calaliyo afka si looga fogaado inaad hawo liqdo, iyo inaan cunno la cunin markaad seexaneyso. Haddii ay jiraan cunnooyin ku dhibaya, isku day inaad marba iska deyso cunooyinka aad is leedahay way ku dhibayaan kaddibna eeg sida aad dareemeyso. Goormee ayaad dhaqtar u tagaysaa? Bararka ayaa caadi ahaan iskii u taga amaba inaad isbeddello fudud sameyso. Balse haddii aad isku aragto barar aan degeyn iyo calaamado kale, waxaa lagula talinayaa inaad dhaqtar u tagto. Shuban, xanuun joogto ah oo daran oo caloosha ah, saxaro dhiig uu la socdo amaba isbeddel kalarka saxarada ah, iyo sidoo kale isbeddel dhanka aadidda suuliga ah, miisaanka oo kaa dhaca, cuntada oo aad hammad u weyso amaba inaad dareento caloosha oo ku buuxda mar walba, waxay xarunta Mayo Clinic leedahay waa calaamadaha ay tahay inaynu fiiro u yeelanno. https://www.bbc.com/somali/articles/cp4q0lj9kv2o +health Cudurka Covid-19: Maxay tahay sababta ay Sri Lanka u dooneyso in jasiirad lagu aaso Muslimiinta geeriyoota "Dowladda Sri Lanka ayaa Jaziirad fog u qoondeysay in lagu aaso meydadka dadka Muslimiinta iyo masiixiyiinta ah ee uu dilay cudurka Covid-19. Dadka heysta diinta islaamka iyo kuwa masiixiyiinta ah ayaa looga tiro badan yahay dalkaas. Mas'uuliyiinta dowladda ayaa markii hore bulshooyinkaas laga tirada badan yahay ku khasbayay in ay dadka ka dhinta meydadkooda gubaan, iyagoo raacaya shacabka aqlabiyadda waddankaas ka ah ee heysta diinta Budiistaha. Waxay dowladdu ku dooneysay in aaska meydadka uu fayraska ku tallaalayo biyaha ku jira dhulka. Hase yeeshee go'aankaas ayaa isbuucii lasoo dhaafay meesha laga saaray kaddib markii ay canbaareeyeen ururrada u dooda xuquuqda aadanaha. Diinta Islaamka ayaa mamnuuceysa in meydadka la gubo. Jasiiradda lagu magacaabo Iranathivu, oo ku taalla Gacanka Mannar, ayaa hadda noqotay goobta lagu aasi doono meydadka dadka ku dhinta dalkaas. Waxay ku taallaa meel masaafe ahaan 300km (186 meyl) ka fog magaalada caasimadda ah ee Colombo. Dowladda ayaa sheegtay in sababta ay Jasiiraddaas u dooratay ay tahay maadaama ay ku nool yihiin dad aad u yar. Muslimiinta dalkaas ayaa si weyn uga cadhooday sharciga gubitaanka meydadka ee lasoo saaray bishii April ee sanadkii 2020-kii, waxayna sheegeen in uusan jirin wax cilmi dhinaca seyniska ah oo taageeraya sababta ay dowladda u qaadatay go'aankaas. Muslimiinta ku nool waddanka Sri Lanka ayaa ah 10% ka mid ah shacabka dalkaas. Hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan Amnesty International iyo Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale kasoo hor jeestay go'aanka dowladda Sri Lanka. Golaha Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in sharciga gubitaanka meydadka uu sharaf darro ku yahay dareenka diimeed ee qoysaskooda laga dhintay, gaar ahaan Muslimiinta, Masiixiyiinta iyo qaar ka mid ah Budiistayaasha. Gubitaan khasab ah oo lagu sameeyay meydka ilmo 20 maalmood jiray oo ay dhaleen qoys muslimiin ah ayaa sii xoojiyay dhaleeceynta loo jeedinayay sharcigaas. Laakiin qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha muslimiinta iyo masiixiyiinta ayaa kasoo hor jeestay go'aankan ugu dambeeyay ee kasoo baxay dowladda. ""Go'aankan waa mid aad u qallafsan oo aan wax micno ah ku fadhinin,"" ayuu yidhi Hilmy Ahamed, oo ah madaxweyne ku xigeenka Golaha Muslimiinta ee Sri Lanka, oo la hadlayay BBC-da. ""Kani waa qorshe lagu cunsuriyeynayo dad. Qeybta ugu murugada badan ee go'aankan waa in Muslimiinta laga hor geynayo dadka qowmiyadda Tamil ee ku nool aaggaas,"" ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Fr Madutheen Pathinather, oo ah baadari ku nool jasiiraddaas, ayaa isagana BBC-da u sheegay in bulshada ku dhaqan halkaas ""ay aad uga xanuunsadeen"" go'aankan cusub. ""Si adag ayaan uga soo hor jeednaa tallaabadan. Arrintani waxay dhib u keeneysaa bulshada maxalliga ah,"" ayuu yidhi. Wuxuu sheegay in shacabka daggan jasiiraddaas ay yihiin 250 qof oo Tamil ah, kuwaasoo ka barakacay dagaalkii sokeeye ee horaantii 1990-meeyadii, ayna halkaas ku noqdeen 2018-kii. Bulshooyinka Muslimiinta iyo Masiixiyiinta ayaa sheegay in ay farxeen isbuucii lasoo dhaafay markii ay maqleen in meesha laga saaray gubitaankii meydadka ee khasabka ahaa. Laakiin waxay aad uga naxeen go'aanka cusub ee sheegaya in meydadka loo qaado jasiirad. Waxay sheegeen in tallaabadas aysan ahayn mid dani ugu jirto, balse ay tahay oo kaliya aflagaaddo kale oo loo geystay. Ilaa hadda 450 ruux ayaa cudurka Covid-19 ugu dhintay dalka Sri Lanka, ku dhawaad 300 oo ka mid ahna waxay kasoo jeedaan bulshada laga tirada badan yahay." https://www.bbc.com/somali/war-56256957 +health Haweeney uur leh oo ninkeeda ka badbaadisay weerar halis ah "Haweeney uur leh ayaa badda Florida isku tuurtay oo dabaalatay si ay ninkeeda uga badbaadiso Libaax badeed soo weeraray. Booliska ayaa sheegay in Andrew Charles Eddy, oo 30 jir ah, uu xirnaa qalabka la xirto marka badda la quusayo amba la tiimbanayo balse waxaa qaniinay Libaax badeed markii uu biyaha hoos u galay . Xaaskiisa, oo lagu magacaabo Margot Dukes-Eddy, ayaa aragtay dhiiga ninkeeda oo biyaha ka dul muuqda waxaana si aan walaac laheyn ""bilaa shaki"", u go'aansatay in ay ku dhex muquurato biyaha si ninkeeda ay u badbaadiso waxaa sidaasi sheegay saraakiil arrintaan ka hadashay . Kadib markii ay soo badbaadisay oo ay bannaanka u soo saartay ninkeeda Mr Eddy ayaa qaar ka mid ah qoyska lamaanahaan waxaa ay waceen Telefoonka laamaha amniga ee ah 911. Ninkaan oo dhawaac ka soo gaaray garabka ayaa lagu qaaday diyaarad Axadii waxaana loo duuliyay xaruun lagula tacaalayo dhaawacyada oo ku taala magaalada Miami. Sarkaal ka tirsan waaxda badbaadada laguna magacaabo Ryan Johnson ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Mr Eddy uu xaalad halis ah ku jiray markii ay u soo gurmadeen. Lamaanahaan oo ka soo jeeda gobalka Georgia, ayaa fasaxooda kula qaadanayay qoyskooda gobalka Florida waxaana xiliga arrintaan ay dhaceysay ay wada saarnaayeen doon yar oo ah nooca raaxada. Dad goobjoogayaal ah ayaa mar dambe sheegay in ay arkayeen Libaax badeed weyn oo badda ku dabaalanaya gaarahaana halka uu Mr Eddy ku weeraray. Gobalka Florida ee dalka Mareykanka ayaa ah halka tirada ugu badan ee weerarada Libaax badeedku ka dhacaan caalamka oo dhan taas oo lagu sheegay 21 warbixin oo ay soo saartay xaruunta dhaqanka Florida sanadkii 2019-kii,. Si kastaba ha noqotee weerarada Libaax badeedka dunida oo dhan waa arin dhif ah." https://www.bbc.com/somali/war-54289573 +health Xanuunka Furuqa Daanyeerka oo walaac hor leh ka abuuray UK "Dhaqaatiirta ayaa ka digay in xanuunka Furuqa Daanyeerka uu ""saameyn ballaaran"" ku yeelan karo adeegyada caafimaadka taranka iyo dadka u baahan intaba. Xarumaha caafimaadka ayaa ku qasbanaada inay shaqaalahooda ku soo rogaan karantiil, haddii ay la macaamilaan qof qaba xanuunka. Gudaha London, oo in ka badan 20-ka kiis ee Britain lagu arkay laga diwaan geliyay, ayaa xarumaha caafimaadka taranka waxay dadka ka mamnuuceen inay soo galaan xaruntaas. Ururka Caafimaadka Taranka iyo HIV ee Britain ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin saameynta caabuqyada kale. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in kiisaska Furuqa Daanyeerka, oo badankood ah kuwo aan darneyn, ay aad ugu yar yihiin Bartamaha iyo Galbeedka Afrika balse ilaa 80 kiis laga diwaan geliyay ugu yaraan 12 dal. Caabuqan ayaa markii hore laga soo sheegay dalalka Talyaaniga, Sweden, Spain, Portugal, Mareykanka, Canada, iyo sidoo kale Britain, oo ah meeshii ugu horreysay Yurub ee kiiska laga helo. WHO ayaa sheegtay in ilaa 50 kale oo kiis la baarayo. Furuqa daanyeerka ayaa ku faafi kara marka qof uu la macaamilo qof qaba. Fayraska ayaa jirka ka gala meelaha dhaawaca ah, ama indhaha, sanka iyo afka. Cudurkan hore looguma sheegin inuu ku faafi karo galmada, balse waa lagu kala qaadi karaa. Dr Claire Deusnap, oo ka mid ah ururka caafimaadka taranka ayaa sheegtay in shaqaalaha caafimaadka taranka ay wajahayaan cadaadis xooggan iyadoo Furuqa Daanyeerkana uu xaaladda ka sii darayo. ""Haddii cudurku uu haatanba culeysinayo shaqaalaha wuxuu yeelan karaa saameyn ballaaran haddii shaqaalaha lagu qasbo inay is karantiilaan, haddii ay la macaamileen qof qaba,"" ayay intaas raacisay Dr. Deusnap. ""Waxaan ka walaacsanahay saameynta uu ku yeelan karo adeegyada caafimaadka taranka guud ahaan,"" ayay tiri. Gudaha London, xarumaha caafimaadka ayaa ka doonaya dhammaanba bukaannada inay shaqaalaha hore ula xiriiraan una sheegaan calaamadahooda, kahor inta aysan ballan sameysan, si dadka qaba calaamadaha Furuqa Daanyeerka looga fogeeyo qolalka sugitaanka oo ay dadku ku jiraan. Xarumaha caafimaadka ee meelaha kale ayaa dadka qaba finanka loogu baaqay inay goor hore isbitaalka la xiriiraan, si looga sii warqabo. Shaqaalaha qaar ee xarumaha caafimaadka taranka ayaa haatanba la siiyay tallaalka furuqa daanyeerka, si looga difaaco inuu ku dhaco. Tallaalka Furuqa Daanyeerka ayaa xoogaa difaac siinaya qofka. Labaatan kiis oo Furuqa Daanyeerka ah ayaa laga helay Britain, kaddib markii 11 kiis oo dheeraad ah la shaaciyay Jimcihii. Si kastaba, xanuunkan ayaa aad ugu daran carruurta, haweenka uurka leh iyo dadka uu difaaca jirkoodu daciif yahay. Jimcihii, Wasiirka Caafimaadka Britain Sajid Javid ayaa sheegay in dalkiisa uu soo dhiganayo keydka tallaalka si dadka qaar looga difaaco xanuunkan. Wuxuu ugu baaqay dadka qaba calaamadaha xanuunkan inay raadsadaan daryeel, baaritaan ayna is karantiilaan si aysan dadka ugu faafin. Mar wax laga weydiiyay waxtarka daaweynta haatan socota, ayaa wuxuu sheegay inay jirto daaweyn kahortag ah kaddib marka qofku qaado xanuunka, daaweyntaas oo loo fidin karo dadka ugu dhow ee uu la macaamilay, daawadan ayaana lagu tijaabiyay Bartamaha Afrika, wuxuuna sheegay in la sameyn karo wax badan oo cudurka wax looga qaban karo." https://www.bbc.com/somali/war-61560355 +health Buuggii caafimaafdka Nazi oo weli loo adeegsanayo qalliinnada "Dr Susan Mackinnon waxay u baahatay caawimaad mar ay qalliin ku sameeyneysay neerfaha, waxayna nasiib wanaag heshay buug anatomy ah oo la qoray bartamihi qarniga labaatanaad. ""Aad baan uga mahadcelinayaa sawirka cajiibka ee gacan ku sameyska ee aan buuggaasi ka helay ee muujinaya qaab dhismeedka jirka qofka"" ayey tiri Dr Mackinnon, oo jaamacadda Washington wax ka dhigta waxayna sidaa ku dhammeysatay qalliinkeedi. Buugga qalliinkeeda gacanta ka siiyey ee ay isticmaashay ayaa wuxuu si cad u qeexayaa dhismaha jirka bani aadamka oo dhanwalba ah, buugaasoo noqday tusaalaihi ugu wanaagsanaa ee sawirrada jirka qofka laga qaadan karo. Sawirradana waa kuwa aad u muuqdo si wanaagsanna loo faahfaahiyey midabba aad u qurxoonna lagu harday. Maqaarka, murqaha, seedaha, lafaha iyo xubnaha kalaba waxaa lagu muujiyey sawirro si wanaagsan u muuqda. Buuggan Pernkopf atlas oo dib loo daabicin nuqul ka mid ah oo aan asal ahayn iyo qayba kale oo isaga laga sii minguuriyey ayaa online kumannaan gini lagu kala iibsadaa. Dadka qaar ayaa buuggan dhaleeceyn u soo jeediya iyaga oo sheega wajiga madoow ee loo isticmaalayey buuggan xilliga Nazi iyo adeegsiga buugga oo ay dhakhaatiirka u adeegsadaan si ka baxsan 'Anashaxa qalliinka'. Dr Mackinnon waxay sheegeysaa iney ku faraxsaneen asal ahaan buugga halka uu ka soo jeedo, balse buugga oo la isticmaalo ay muhiim u tahay 'qalliinka anshaxa ku dhisan' iyo iney howlaheeda buuggaasi la'aantii ay qaban karin. Mashruuca qorista buuggan oo muddo 20 sana ah qaadatay waxaa qoray dhakhtar Nazi ee caanka ahaa Eduard Pernkopf. Dhakhtarka saaxibbadii oo ay ugu yeeraan 'dambiile' waxay sheegaan inuu ahaa nin maalin walba xirfaddiisa caafimaad ku shaqeeya isaga oo xiran labbiski u gaarka ahaa Nazi. Xilli uu ninkaasi ahaa hormuudka jaamacadda Vienna, wuxuu shaqada uu ka eryey dhawaan dadka Yuhuudda oo jaamacaddaasi ka tirsanaa oo ay ku jiraan seddex nin oo takhasusukooda heer sare ka gaaray cilmiga. 1939-kii, sharci la soo saaray wuxuu dhigayey dhammaan macabiista dilka lagu fuliyo in meydadkooda loo gudbiyo waaxda ugu dhaw ee cilmibaarista anatomy ee daraasadda iyo waxbarashada loo adeegsado. Xilligaasi wuxuu Pernkopf uu shaqeynayey ugu yaraan 18 saacadood, wuxuu cilmibaaristiisa uu u adeegsanayey meydadka iyada oo ay saaxibbadii meydadka sawirra kala duwan ka sameeynayeen. Nuqulka ugu horreeyey ee buugga Atlas waxaa la daabacay 1937-kii. 1964-kii waxaa la daabacay laba nuqul oo af-ingiriis lagu tarjumay oo laga soo minguuriyey nuqulki asalka ee ay ka muuqatay calaamadda Nazi. 1990-yadi ayey ahayd marki ay ardayda buuggaasi waxkabarata ay su'aal geliyeen buuggaasi iyo dadka ka qayb qaatay waxa ay yihiin. Marki taariikhda buuggaasi ay soo shaac baxday ayaa atlas dib loo daabacay 1994-kii. Kulliyadaha lagu barto qalliinnada dhinaca neerfaha daraasad lagu sameeyey waxaa lagu ogaaday 59% dadka cilmigaasi barta iney buuggaasi ay xogtiisa hayaan, 13% ka mid ahna ayba isticmaalaan. Rabbi Polak wuxuu BBC u sheegay: ""bal fiiriya Dr Mackinnon sida ay shaqadeeda uga adag tahay uguna caan baxday. ""Waxayna i weydiisay, inaan anshaxa aan ka fikirno oo aan xaaladda qaadaa dhigno. Iyada oo haatan laga joogo muddo 60 sana ah xilliga buuggan atlas la soo saaray haddana wuxuu buuggaasi yahay mid wakhtiga la jaanqaada isla-markaana ay cilmi baarayaasha iyo dhakhaatiirtuba u adeegsadaan meel ay aqoontooda u kaashadaan xirfaddoodana ay u adeegsadaan. Waxayna intaa ku dartay: ""Anigu shakhsi ahaan sawirrada Pernkopf casharrada anatomy oo aan bixiyo kuma soo qaato ilaa aan marka hore ka hadlo taariikhda sawirkaasi uu ku yimid."" Dr Jonathan Ives, oo wax ka dhiga jaamacadda Bristol, wuxuu sheegayaa inuu buugga atlas uu ""si la yaab leh uu u sharraxayo"" balse cilladdiisu tahay ""taariikhdi madoobeed"" oo horay loo adeegsan jiray. ""Haddii aan buugaasi isticmaalno inaga oo eegeyno faa'idada ka dambeysa wax badan ayaan ka faa'ideeynaa"" ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/war-49426174 +health Waa kuwee cudurrada ku dhaca ragga marka ay kor u dhaafaan da'da 40? Da'da afartamaadka waxaa lagu tilmaamaa xiligga dhexe ee nolosha qofka, waana da' muhiim ah, xilliggan wuxuu qofka intaa horumarro ka gaaraa noloshiisa gaar ahaan tan qoyska, xirfadda iyo waxyaabo kale. In si qoto dheer loo fahmo da'daas waxay ku timaaddaa faahfaahinta ku aaddan dheecaanka hormoonaadka maskaxda iyo unugyada shabakadda ah ee la xiriira xusuusta qofka, waxaa horseeda waayo aragnimo la xiriira fahanka arrintaas. Da'da 40 jirka waxaa lagu tilmaamaa waqtiga dahabiga ah isla markaana waxaa laga ogaan karaa daalka ku yimaado maskaxda qofka, dad badan waxay dareemeen in garaadkooda uusan aheyn sidii hore. Wuxuu qofka dareemayaa daalka iyo saameynta maskaxda, sababtoo ah waxaa jira isbeddel qarsoodi ah oo ku yimaada qaabka unugyada maskaxda iyo hormoonnaada, tani waxay sababtaa cudurro kala duwan oo ku dhaca habdhiska neerfayaasha. Daddaba waxaan halkan ku eegeynaa qaar kamid ah cudurradaas: Shalalka ama istaroogga waa cudurka ku dhaca habdhiska neerfayaasha ugu caansan jirka banii'aadanka, Sida ku xusan, 92 boqolkiiba kiisaska shalalka ee adduunka waxay inta badan dadka ku dhacaan marka ay dhaafaan da'da 40. Marka ay da'du korodho, dhacdooyinka cudurka shalalka ayaa sare u qaadma.\nCudurka shalalka waa laba nooc. Nooca koowaad waxaa loo yaqaan ischemic stroke. Nooc kale waxaa keena dhiigbax ka dhasha dhaawac ku yimaada xididdada dhiigga qaada ee maskaxda. Shalalka waa cudur inta badan la xiriira xididdada dhiigga. Istaroog wuxuu dhacaa marka xididdada dhiiggu xinjiroobaan, shalalka waxaa lagu ogaadaa qalabka CT Scan. Waxyaabaha sababa shalalka waxaa ka mid ah, da'da qofka, dhiig karka, kolestaroolka sarreeya, isticmaalka khamriga, cunidda tubaakada iyo cabidda sigaarka, sidoo kale wuxuu ka dhashaa cudurka wadno xanuunka. Astaamaha shalalka waxaa ka mid ah: in qofka uu wax akhrin waayo, ama aragga uu waayo, ama in qofka uu lumiyo dheellitirka socodka, madax xanuun daran iyo matag. Waa cudur kale oo ku dhaca dadka marka ay gaaraan afartan jir kadib, asaasaqa waa cudur la xiriira neerfayaasha, marka neerfayaasha maskaxda ay saameeyaan, awooddooda ayaa hoos u dhacda oo asaasaqa ayaa qofka ku dhaca, asaasaqa ma ahan oo kaliya ah in qofka uu wax hilmaamo, wuxuu hoos u dhac ku yimaadaa shaqada maskaxda. Qalabka MRI waxaa loo isticmaalaa in lagu ogaado asaasaqa, marka la ogaado, daawooyinka kor u qaada maskaxda ayaa la siiya qofka qabo cudurkan. Nasiib darro dawooyinkani ma aha kuwo aad waxtar u leh heerarka qaar ee cudurka. Waa cudur daran oo sameeya qofka marka uu gaaro da'dan, wuxuu cudurka kusii kordhayaa dadka qaba macaanka gaar ahaan dadka aan cunin hilibka.\nDadka bukaan socodka ah ee cudurkan ku dhacay ayaa isku arkay astaamo sida, qofka in uu dareemo in jirkiisa uu gubanayo ama kabuubyo. Cudurradan waxaa lagaga hortagi karaa daawooyinka qaarkood sida kuwa lagu xakameeyo cudurrada macaanka, qofka in uu qaato cunto badan ama in uu cabo biyo badan. Waxyaabo badan ayaa sababa cudurradan waxaa kamid ah, tayroodh-ka iyo xanuunnada dhiigga. Waa madax xanuun aad u daran, qofka wuxuu xanuun ka dareemayaa agagaarka indhaha, qofka indhaha ayaa biyo ka imaanaya, indhihiisu gaduud ayay noqonayaan. Xanuunkan waa mid qofka saameynaya dhowr maalmood ilaa dhowr toddobaad. Suuxdin ama qallal kuma xirna da' da. Waxaa jira waxyaabo badan oo sababa cudurkan waana cillad ka dhalata wareegga maskaxda. Cudurkan, oo guud ahaan dadka ku dhaca carruurnimada iyo xilligga qaan-gaarka, waa mid aad ugu yar da'da afartameeyada. Cudurkani wuxuu noqon mid la iska dhaxlo. Sidoo kale, suuxdintu waxay ku dhici kartaa sababo badan oo ay ka mid yihiin caabuq ku dhaca maskaxda, istaroogga, dhaawac madaxa, dhiig-baxa ku yimaada xidiidada maskaxda. Boqolkiiba 90 cudurka waa lagu xakameyn karaa daweyn sax ah. Waxaa lagu ilaalin karaa caafimaadka maskaxda, jimicsi joogto ah, cunto iyo biyo badan, iyo hurdo ku filan in uu helo qofka.\n\n(Dr. Kedar Takalkar waa dhakhtar ku takhasusay cudurrada ku dhaca neerfayaasha, wuxuuna fadhigiisu yahay magaalada Nagbur ee dalka Hnidiya, sheekadan waxay ku saleysan tahay aragtida dhakhtarka gaar ahaan aqoontiisa caafimaad) https://www.bbc.com/somali/articles/c0vp1ewnj8vo +health Cabidda caanaha laga sameeyo dhirta oo soo caanbaxeysa "Haddii ay ahaan lahayd lawska ama coconut-ka waxa ay u muuqataa in dad badan ay ka cararayaan caanaha lo'da, iyaga oo ku badelanayo caanaha laga soo saaro geedaha. Dad ka badan afar jibaar oo ku nool Britain ayaa hadda cabaya caanaha xoolaha, sida lagu sheegay baaritan ay sameeyeen shirkadda Mintel, oo la hadashay dad ku dhaw 2,000 oo qof. Dadka ugu badan ee ka fogaanaya caanahan xoolaha waxay da'dooda u dhaxeysaa 16-24 sano. Balse caanaha laga soo saara dhirta waa boqolkiiba 4% oo keli ah, marka la eego suuqa. ""Walaac dhanka caafimaadka, deegaanka iyo dhaqanka ayaa horseedaya in iibsashada caanahan dhirta ay sare u kacdo, sida ay sheegtay Emma Clifford, oo qayb ka ah baarayaasha barnaamijkan ay waday shirkadda Mintel. Caafimadka ayaa ah ujeedada koowaad ee ay isaga yareynayaan cabidda caanaha lo'da. Saamaynta uu deegaanka ayaa sidoo kale walaac laga muujiyey. ""Markii hore waxaan isticmaali jiray qudaarta si aan caafimadkayga u ilaaliyo,"" Ayuu yiri Sam Friskey, oo ka mid ah dadka ka ganacsada caanahan. Wuxuu aaminsanyahay in daalka badan ee uu dareemi jiray xilliyada uu shaqada joogo ay sabab u tahay caanaha. ""Iibsashada caanaha lo'da hoos ayey u sii dheceysaa, xaqiiqaduna waxay tahay in dhallinyaro badan aysan rabin caanahaas taas oo cadeyneysa in muddo aysan sii jiri doonin,"" ayey tiri Emma Clifford. Sidoo kale, waxay aaminsan tahay in dhallinyarada ay wax ka bartaan ""faa'idada"" isticmaalka caanaha lo'da iyo si guud waxyaabaha la midka ah, marka laga eego dhanka caafimaadka." https://www.bbc.com/somali/war-49071952 +health Dadka caanka ah ee uu ilaa hadda ku dhacay Caabuqa Corona "Tan iyo markii uu caalamka ku fiday Caabuqa cusub ee Corona, inkastoo uu soo ritay dad badan oo rayid ah, haddana waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu ku dhacay dad caan ah iyo madax ka tirsan dowlado. Qaar ka mid ah madaxda caalamka, ayaa loo soo jeediyay inay iska baaraan Caabuqa ama ay karantiil iskood ah galaan. Waddanka Iiraan ayey mas'uuliyiinta ugu badan ku qaadeen Corona, halka qaarna lagu soo warramay inayba u geeriyoodeen. Ilaa 7 mas'uul oo u dhashay waddankaas ayaa lasoo tabiyay inuu gaaray cudurka, halka wadaad caan ahna uu u geeriyooday. Dalka Mareykankana, shan siyaasi oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo hal siyaasi oo xisbiga Dimuqraaddiga ah ayaa iskood isku karantiilay kaddib markii ay dareemeen inay halis ugu jiraan Caabuqa. Siyaasiyiintan oo qaarkood ay yihiin kuwa ugu caansan xisbiga talada haya ee Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay la kulmay qof uu ku dhacay Corona. Madaxweyne Donald Trump iyo ku xogeenkiisa, oo qudhooda goob joog ka ahaa shirkaas ayaa diiday inay iska baaraan cudurka ama ay is karabtiilaan. Haddaba maxaan ka ognahay dadka magaca leh oo ilaa hadda la xaqiijiyay in laga helay Caabuqa Corona? UK waxay ka mid tahay dalalka sida weyn ula tacaalayan Caabuqan kusii fidaya dunida daafaheeda. Ilaa 382 ruux ayuu cudurkan kula dhacay gudaha UK, halka 6 qof oo kalena ay ilaa hadda ugu geeriyoodeen dalkaas gudihiisa. Dadka uu Caabuqa haleeyay waxaa ka mid ah haweeneysa Wasiirka Caafimaadka ka ah UK, Nadine Dorries. Ms Dorries ayaa sheegtay inay si iskeed ah isugu karantiileysay gurigeeda. Xildhibaannadda xisbiga Shaqaalaha, Rachael Maskell ayaa iyadana sheegtay in lagu amray inay gurigeeda isku karantiisho, maadaama ay la kulantay Ms Dorries. Wasaaradda Caafimaadka ee UK ayaa sheegtay in Ms Dorries markii ugu horreysay calaamadaha Caabuqa lagu arkay maalintii Khamiista. Isla maalintaas waxay ka qeyb gashay shir uu marti galiyay Ra'iisul Wasaaraha. Madaxda Iiraan ee uu ku dhacay Caabuqa Corona waxaa ka mid ah Masoumeh Ebtekar, oo ah madaxweyne ku xigeenka arrimaha haweenka u qaabilsan madaxweynaha dalka Iiraan Xassan Rowxaani. Masoumeh Ebtekar, oo sidoo kale ah haweeneyda xilka ugu sarreeya ka heysa dalka Iiraan ayaa cudurka laga helay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay, sida uu sheegay ku xigeenkeeda. Waxaa lagu amray inay gurigeeda iska joogto, si iskeed ah isku karantiisho. Waxay ahayd sarkaalkii 7-aad oo reer Iiraan ah oo uu Caabuqa haleelay. Iiraan waxay ka mid tahay dalalka uu saameynta ugu ba'an ku yeeshay Corona, marka laga soo tago Shiinaha, oo ah halkii ugu horreysay ee uu kasoo billowday. Iraj Harirchi wuxuu ka mid yahay madaxda reer Iiraan ee laga helay cudurka dhawaan magaciisa loo bixiyay Covid-19. Ninkan ayaa lagu eedeynayay inuu ka mid ahaa saraakiisha dalkaas ee isku dayeysay inay qariyaan tirada rasmiga ah ee uu haleelay cudurka. Waxaa la shaaciyay muuqaal laga arkayay wasiir ku xigeenka oo indhaha iyo wajiga ku tirtinaya istiraasho, taasoo la aaminsan yahay inay ka mid tahay calaamadaha Coronavirus. Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in kororka lama filaanka ah ee kiisaska laga soo tabiyay Iiraan uu yahay ""mid walaac abuuraya"". Waaxda caddaaladda ee Iiraan ayaa amartay in si ku meel gaar ah xabsiyada looga sii daayo maxaabiis ay tiradoodu dhan tahay 70,000 oo ruux, si loo yareeyo fiditaanka cudurka. Tirada guud ee maxaabiista ku xiran gudaha Iiraan ayaa lagu qiyaasaa 189,500 oo qof. Dadka kale ee caanka ah ee laga helay Corona waxaa ka mid ah ganacsadaha leh kooxaha kubadda cagta ee Nottingham Forest iyo Olympiakos, Evangelos Marinakis Marinakis, oo 52 jir ah, ayaa ka qeyb galay kulan ay Jimcadii kooxdiisa Nottingham Forest la ciyaareysay kooxda Millwall. ""Mr Marinakis waxaa laga helay cudurka kaddib markii ay kasoo muuqdeen calaamadaha Caabuqa, xilli uu kasoo laabtay waddanka Giriigga"", ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxdiisa Forest. Marinakis ayaa horay baraha bulshada, gaar ahaan bartiisa Instagram-ka ugu shaaciyay inuu ku dhacay Caabuqa." https://www.bbc.com/somali/war-51835357 +health Coronavirus: Kumuu ahaa laacibka Soomaaliya ee u dhintay coronavirus? "Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada London ku geeriyooday Cabdiqaair Maxamed Faarax Biriq oo kamid ahaa falanqeeyayaasha kubadda cagta ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC. Cabiqaadir oo sidoo kale kamid ahaa laacibiintii kubadda cagta ee Soomaaliya, una dheeli jiray naadigii bartoolka ayaa maalmahan la xanuunsanayay xanuunka caalamka hareeyay ee Covid-19. Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ka tacsiiyay geerida Biriq. Biriq wuxuu in muddo ahba ku noolaa magaalada London ee dalka Ingiriiska. Tan iyo markii uu howlgabka ka noqday ciyaaraha, wuxuu ahaa nin aad ula socda arrimaha kubadda cagta. Wuxuu ka mid ahaa falaqeeyayaasha ciyaaraha ee sida joogtada ah ula shaqeeya laanta Afsoomaaliga ee BBC-da. Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar Cuti) oo ka mid ah ciyaartooydii ay kawada tirsanaayeen naadigii batroolka ayaa BBC-da uga warramay taariikh nololeedka marxuum Biriq oo kooban. Markii ugu horreysay wuxuu u ciyaari jiray gobolka Hiiraan, oo uu ku matali jiray ciyaarihii tartanka gobollada ee dalka Soomaaliya. ""Kooxda Batroolka ayaa markii ay xirfaddiisa sare aragtay kasoo qaadatay gobolka Hiiraan. Runtii waan isla ciyaarnay aniga iyo asaga, waxaana ka wada dheeli jirnay xagga weerarka,"" ayuu yiri Mukhtaar Cuti. Biriq wuxuu inta badan ka ciyaari jiray garabka midig, isagoo isku dabooli jiray lambarrada 7, 8, ilaa 11. Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kalsoonida badan lagu qabay ee usoo ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya. Mar uu Cabduqaadir qudhiisa hadda ka hor BBC-da la hadlayay wuxuu u sheegay in sababtii loogu bixiyay magaca biriq ay ahayd maadaama uu aad u orod badnaa, marka uu kubadda wato. Wuxuu Cuti sheegay in Biriq uu ahaa nin aad u dabeecad wanaagsan oo bulshadu ay si weyn u jecleyd. ""Hal isbuuc ka hor ayaan wada hadleynay, wixii ka dambeeyay lalama hadli karin, waayo aad buu u xanuunsanaa, Alle ha u naxariisto, haddaan nahay bahda ciyaaraha ee Soomaaliya maanta waxaa naga baxay nin qaali ah, waana uga tacsiyeynayaa dhammaan umadda Soomaalida"", ayuu yiri. Wuxuu Mukhtaar sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo uusan ku illoobi doonin Biriq, uuna ahaa nin aad ugu dadaali jiray inay soo baxaan dhalinyaro Soomaali ah oo xirfad sare u leh kubadda Cagta. Caabuqa Corona, oo lagu magacaabay Covid-19, ayaa dunida ka soo ifbaxay bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, wuxuuna markii ugu horeysay ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha. Kiisaska guud ahaan dunida laga xaqiijiyay ayaa gaaraya ilaa 400,000 oo ruux oo uu ku dhacay xanuunkan. Ku dhawaad 17,000 oo qof ayaa ilaa hadda u dhintay coronavirus. Inta la ogyahay 100,000 oo qof oo uu ku dhacay cudurkan ayaa ka caafimaaday." https://www.bbc.com/somali/war-52020192 +health Cabdul, ninka dadka u dhinta Covid-19 sida xurmada leh u aasa "Muddo soddon sano ah Cabdul Malabari wuxu aasi jiray maydad badan oo aan la garanayn, laakiin marna ismuu odhan waxaad aasi doontaa maydad eheladoodu doonayaan in ay ku samraan laakiin aan loo ogolayn. ""Shaqadaydu waxaa in aan wakhtiga cayimo"" ayuu yidhi ninkan maydadka aasa ee 51 jir ka ah ""isla marka telefoon la ii soo diro anoo qalabkiisa sita ayaan dhaqaaqaa"". Markasta oo qof ugu dhinto coronavirus Surat- magaalo ku taal gobolka galbeed ee India ee Gujurat- sarakiishu waxay telefoon u diraan Malabari. Ilaa haatan magaaladu waxa ugu dhintay 19 qof 244 qofna wuu ku dhacay, wadarta guud ee gobolkuna waa 3.548. ""Wakhtigan adag, Abdul bhai [walaalkii] ayaa aad ii caawiyey"" ayuu yidhi Ashish Naik, oo ah gudoomiye ku xigeenka Surat. Rag loo daldalay kufsi iyo dil ka dhacay dalka India Xayiraadda Corona ee Hindiya oo musiibo bina'aadannimo isu badeshay Maxaad ka taqaannaa cudurkii coronavirus lamidka ahaa ee dunida ku dilay 50 milyan oo ruux? Malabari wuxu sheegay in tani shaqadiisatahay oo uu aqbalay inuu ka shaqeeyo oo halista u badheeday. Kooxda la shaqaysaa wxay u hoydaan oo wax ka cunaan xafiiska ururkaa khayriga ah si ay ehelkooda uga ilaaliyaan in cudurku ku dhaco. Maaha markii ugu horraysay ee Malabari hawl weyn u qabto dad aanu garanayn. Had iyo goor wuu u heelanaan oo soddon sano ka hor ah ayuu bilaabay waagaas oo cudurro dad badan laayeen, waana sababta uu haatan isla shaqadan u qabanayo. Qofka aanu garanayn magaceedu wuxu ahaa Sakina waxayna u dhimatay HIV. Ninkeeda iyo wiil ay dhashay ayaa keenay isbitaalka laakiin way baxsadeen. In la raadiyaa la isku dayey laakiin waa la wayey. Meydkeedu mudo bil ah ayuu qolka maydka yaalay. Saraakiishuna aad bay ugu baahnaayeen cid caawisay dabeetana waxay codsadeen in qof Muslim ah oo si mutadawacnim ah u aasa maydkaa. Malabari oo waagaa 21 jir ahaa ayaa ka damqaday codsigaa markaas ayuu go'aansaday inuu caawiyo. Wuxuu la xidhiidhay ururka keliya eek a jiray Surat ee aasa meydadka aan la garanayn laakiin waxay u sheegeen in ninkii shaqadaa qaban jiray safar ku maqan yahay oo ay tahay in la sugo. ""In aanay gar ahayn baan dareemay""ayuu yidhi Malabari. Dabeetana wuxu tagay isbitaalkii oo uu maamulkii u sheegay in uu isagu doonayo inuu aaso Sakina. Wuxuu xasuustaa in meydkeeu ""urayey"" laakiin kamuu yaayaqsoon, wuxu u tagay dhawr dumar ah oo uu garannayey oo uu ka codsaday inay meydka maydhaan sida Islaamku dhigayo. Laakiin way diideen ayuu yidhi sababtoo ah Sakina waxay u dhimatay HIV oo ahaa wax aan aad loo fahamsanayn 1990. Markaas ayuu Malabari go'aansaday in uu qudhiisu maydo meydka, baaldiyo badan oo biyo ah ayuu ku shubay intaanu aasin. Wuxu sheegay in uu markaa garawsaday in magaalada Surat aanu qof keli ahi shaqadan u qaban karayn ""maalin dhan bay igu qaadatay markaas ayaan garowsaday in aanan hawshan keligay qaban karayn"". Markaas ayuu bilaabay urur khayri ah. wuxu sheegay in qoyskiisa ka shaqaysta dharku markii hore ay arintaa ka soo horjeesteen. ""Waxaan xasuustaa sidaan ugu sheegayey in Islaamku odhanayo in qof kasta waajib ka saaranyahay oo ay thay inuu qofka dhinta si qadarin leh u aaso. Waxaan qabanayaa uun waa waajibkaa aadamenimo ee i saaran"". Maanta waxa jira cabsi weyn oo laga qabo dadka cudurka Covid-19 u dhinta maydadkooda, hase yeeshee khubarada caafimaadka ayaa sheegaya in fayraska aanu qofka dhinta cid kale qaadsiin karayn laakiin uu dharkiisa iyo oogadiisa saacado badan ku sii noolaan karo. Sidaa awgeed maydka waxa lagu dahaadhaa kiis xidhan qofna xataa ehelkiisa looma ogolaado inuu dul joogsado. Malabari iyo kooxdiisu aad bay u taxadaraan. Waxay xidhaan Masks (fool-saab) goloofyo iyo dhar kale. Waxay sidoo kale qateen tabobar ku saabsan sida maydka cudurkaa u dhinta loo aaso. Marka hore waxay maydka ku buufiyaan dawo kiimiko ah ka idbna waxay ku xidhaan kiish caag ah oo aan waxba ka soo bixi karin intaan loo qaadin xabaasha lagu aasayo. Baabuurka lagu qaadayo maydka laftiis waa la buufiyaa marka maydka laga dejiyo sidoo kale waxa Iyana la buufiyaa xabaalaha ama goobta dadka lagu gubo ee maydka la geeyey. Sidaas oo ay tahay ayaa hadana cabsida laga qabo fayrasku ay keentay in magaalooyinka India qarkood dadka u dhaw xabaaluhu mudaharaadaan. Malabari wuxu sheegay in uu dhibaato la kulmo laakiin uu dadka si fiican ula hadlo oo furdaamiyo artinta. Arinta ugu adagi waxa weeyi buu yidhi siduu u qancin lahaa ehelka qof ka dhinto ee aan loo ogolayn in ay dul joogsadaan maydka ee qudhooduba ku jira karantiinka. ""Way ooyaan oo waxay codsadaan in ay meydka arkaan, waxaan u sheegnaa in ay badbaadadoodu ku jirto inaan loo ogolaan waxaanan u sheegnaa in sida diintu dhigayso aanu u aasayno"". Wuxu sheegay in mararka qaarkood ay qof ehelka ka mid ah loo ogolaado in uu maydka meel fog ka eego ""wxaanu ku qaadna baabuur gaara oo waxaanu u sheegnaa inuu meel ka durugsan maydka uga duceeyo"". Wax badan baa iska bedelay Surat tan iyo waagii uu Sakina aasay. Mikia wuxu sheegay in saddexdiisa caruura - inan iyo laba inan- ay ku ""faraxsanyihiin"" oo ay ku ""faanaan"" shaqada uu isagu hayo. Ururkiisa khayriga ah waxa haatan ka shaqeeya 35 qof oo mutadawaciin ah 1500 oo qof oo deeq siiyaana wa jiraan sidoo kale waxa uu taageero ka helaa dawladda. Arinta uu ku faanayo waxay tahay ee uu sheegay in kooxdiisa ay ku jiraan dad kala diimo ah oo kala dabaqado ah ""waxaa nagu jira mutadawaciin Hindu ah oo aasa maydka Muslimiinta iyo mutadawaciin Muslimiin ah oo guba maydka Hindu ga"". Wuxu sheegay badanaa in maydadka ay aasaan yihiin kuwa dib jirka ah ama kuwa inta la jiidho laga cararo ee la garan waayo. ""Maydad ayaanu ka helnaa webiyada iyo dariiqdyada tareenada. Mararka qaarna waxay nagu qasabtaa in aanu mayd qudhmay aasno"". Wuxu sheegay in saamaynta shaqada ay qabtaan ku yeelatay tahay wax aan la sheegi karin laakiin mudo sanado ah ay hurdadooda saamaysay, xataa wakhtiga uu la qaato qoyskisia. Laakiin marnaba kamuu fikirin inuu joojiyo. ""Ruuxdaydu raali bay ku tahay waxan aan qabanayo oo wax kale oo dareenkaa i siinayaa ma jiro""." https://www.bbc.com/somali/52522150 +health Cambaarta Madow: 6 su’aal oo ku xeeran caabuqa cusub ee weerarka ku haya bukaanada Covid ee Hindiya "Waxay ku magacaabeen ""cambaarta madow"" waxaana gudaha Hindiya looga arkaa ""qarowga ku dhexjira cudurka faafa"" ee Coronavirus. Isbuucan, illaa 9,000 oo kiis oo ah xanuunkan, oo loo garanayo mucormycosis, oo sababa caabuq, ayaa laga soo weriyay dalka Hindiya. Bukaannada qaar waxaa lagu badbaadin karaa in hal il laga bixiyo, mana lahan xal kale. Sidoo kale heerka dhimashadana waxay gaareysaa boqolkiiba 50. Kumnnaan kiis ayaa la soo sheegay in lagu dhex arkay bukaannada ka caafimaaday xanuunka Covid-19, qaarkoodna waxayna ku jireen cisbitaallada oo waxaa la filayay in korona fayras ay ka soo kabtaan. Haddaba, waxaa lala xiriirinayaa xanuunkan faafa ee faraha ba'an ku haya caalamka. Dhakhaatiirta waxay sheegayaan in xiriirka arrintan uu yahay mid ka dhashay dawada loo adeegsado cudurka Covid-19. Sidoo kale, dadka qaba cudurka macaanka ama sokorta, waa kuwa halista ugu badan ugu jira mucormycosis. Waxaa jiro arrimo muhiim ah oo ay tahay in aad ka fahanto caabuqa cambaarta madow ama mucomycosis, iyo sababta ay saameynta sidaa u xun u leeyahay. Mucormycosis, waxaa sida guud loo garanayaa ""cambaarta madow"", waana caabuq aad nadir uga ah caalamka. Waxaa sababa in qofka uu la kulmo ama isticmaalo waxyaabaha sababa xanuunkan sida Mucor, oo qeyb ka ah bahda la isku dhoho Mucoraceae, oo sida caadiga ah laga dhex helo ciidda, dhirta iyo khudaarta boloshahay ama halowday. ""Waxaa laga helaa meel kasta - dhulka iyo hawadaba iyo xitaa sanka ama candhuufta dadka caafimaadka qaba,"" ayuu yiri Dr Akshay Nair, oo ah dhakhtar qaabilsan qalliinka indhaha oo ku nool dalka Hindiya. Wuxuu la hadlay BBC. Wuxuu saameeyaa sanka, maskaxda iyo sambabada, wuxuuna halis gelin karaa nolosha dadka qaba xanuunka sokorta iyo kuwa difaaca jirkooda uu aad u liito, sida kuwa qaba kansarka ama HIV / AIDS. Dhakhaatiirta waxay aaminsan yihiin in mucormycosis uu ka dhalan karo isticmaalka waxyaabo leh maadada steroids - dawo loo adeegsado bukaannada ay xaaladdooda aadka u xuntahay ee qaba korona fayras. Dawadan waxay yareysaa xanuunka ba'an ee sambabada, waxayna ka hortageysaa dhibaatada uu Covid u geysanayo jirka iyo hannaanka difaaca. Waa dawo u fiican la dagaallanka fayraskan. Balse waxay sidoo kale yareyneysaa difaaca jirka, waxayna sare u qaadeysaa heerka sokorka ee dhiigga - dhammaan, qofka qaba xanuunka sokorta iyo midka aan qabinba. Khubarada waxay aaminsan yihiin in hoos u dhaca difaaca jirka uu sabab u yahay in qofka uu ku dhaco caabuqa mucormycosis. ""Sokorta waxay yareysaa difaaca jirka, korona fayras na wuu uga sii daraa, ka dib dawada steroids ee caawineysa bukaanka Covid-19, waxay uga sii dartaa xaaladda"", ayuu yiri Nair. Waxay si dhow ula xiriirtaa su'aashii hore. Hindiya waxay bartamaha ugu jirtaa mowjadaha labaad ee korona fayras oo faro ba'an ku haya dalkaas, in kastoo tirada kiisaska maalinlaha ah ay sii yaraaneyso. Balse hannaanka caafimaadka ayaa dhibaato adag la kulmay muddo isbuucyo ah, cisbitaalladana waxaa ku yaraaday qalabka neefta siiya bukaannada, dawadana aad ayey gabaabsi u noqotay. Taas waxay sababtay in dhakhaatiir badan ay billaabaan in bukaannada ay siiyaan dawada ka sameysan maadada steroids, si ay u daweeyaan dadka qaba Covid-19. Gobolka galbeedka ku yaalla ee Maharashtra waa mid ka mid ah gobollada laga soo sheegay tirada ugu badan ee ""cambaarta madow"", wuxuuna ka mid yahay gobollada uu sida ba'an u saameysay mowjadda labaad ee Covid-19. Sidoo kale, kor sida ku sharaxan, kiisaska cambaarta madow waxaa lala xiriirinayaa heerka sokorta dhiigga. Hindiya waa dalka labaad ee ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee qabta xanuunka macaanka ee caalamka. Bukaanka uu ku dhaco xanuunkan waxaa lagu arkaa astaamo ay ka mid yihiin cabbur iyo sanka oo dhiig uu ka yimaado. Sidoo kale, waxaa barara indhaha oo aad u xanuunaya, illin ka timaadda indhaha iyo shucaac ku furma aragga. Sidoo kale wuxuu qofka beelayaa hal il. Waxaa dhici karta in finan madow ay ka soo baxaan hareeraha sanka. Dhakhaatiirta waxay sheegayaan in bukaannada badankooda ay isbitaallada yimaadaan xilli xanuunka uu meel xun gaaray. Mar ay aragga beeleen oo dhibka uu sii batay. Markaa, dhakhaatiirta waxay ku qasban yihiin in ay qofka ka saaraan isha uu xanuunka aad u saameeyay. Mararka qaar, bukaanka wuxuu beeli karaa labada indhood. Waxaa dhacda xilliyo dhakhaatiirta ay qofka ka bixinayaan lafta dhabanka, si looga hortago in xanuunka uu faafo. Balse waxaa lagu daweyn karaa irbadda la dagaallanka cambaarta. Waxaana qasab ah in qofka la siiyo maalin kasta - illaa siddeed isbuuc. Waa dawada keli ah ee la dagaallami karta xanuunkan. Mucormycosis ma ahan cudur la kala qaadi karo - dadka iyo xoolahaba. Wuxuu ku dhex billowdaa bukaanka, sida kuwa qaba sokorta ama difaaca jirkooda uu yaryahay. Balse, maadaama uu yahay caabuq cambaar ah oo ku jira dhulka ama hawada, way adag tahay in qofka uu iska ilaaliyo. Haddaba, qofka caafimaadka qaba ama hannaanka difaaca jirkiisa uu fiican yahay, waa in uusan ka baqan in xanuunka uu ka qaado qof kale. ""Jeermiska iyo cambaarta waxay ku sameysan yihiin jirkeenna, balse hannaanka difaaca ayaa ka hortaga,"" ayuu yiri K. Bhujang Shetty, agaasimaha Isbitaalka Narayana Nethralaya ee Hindiya. ""Marka hannaanka difaaca jirka uu daciifo, taas oo sabab ay u tahay dawada kansarka ama sokorta, xubnahan (cambaarta iyo jeermiska) way ka faa'ideystaan wayna sii bataan,"" sida uu Shetty u sheegay Reuters. Sarkal sare oo ka tirsan dowladda Hindiya, VK Paul, wuxuu sheegay in ""dhibaato wayn oo xanuunkan mucormycosis ah oo dillaacay in aysan jirin. Balse tiro sii kordheysa ayaa dalka oo dhan laga soo sheegay, waxayna gaartay 8,800, isbuucan. ""Isbuucii waxaan halkan ku arkeynaa labo ama seddax kiis. Waa qarow ku dhex jira cudurkan faafa,"" ayuu yiri Dr. Renuka Bradoo oo ka tirsan cisbitalka Sion ee Bombay. Dr. Baxi wuxuu daweeyay illaa 800 oo qof oo qabay cudurka sokorta, uuna ku dhacay COVID-19, sannadkii la soo dhaafay, midkoodna muusan ku dhicin xanuunkan cambaarta madow. Bukaankii ugu yaraa ee uu daweeyay bishii la soo dhaafay, wuxuu ahaa 27 sano jir, kaas oo qabay cudurka macaanka. ""Waxay noqotay in aan qalno isbuucii labaad ee COVID uu la jiifay, waxaanna ka saarnay hal il. Waa musiibo,"" ayuu yiri. Hay'adda baritannada caafimaad ee Hindiya iyo Wasaaradda caafimaadka waxay ku baaqayaan in la dhowro nadaafadda iyo in la xakameeyo xanuunada la midka ah sokorta. Sidoo kale, waxay dadka ugu baaqayaan in ay xirtaa kabo, surwaal dheer, shaati gacmo-dheere ah iyo gacmo-gashi, si ay uga hortagaan wasaqda, busta iyo in ay iska ilaaliyaa in cambaarta dhulka ay jirkooda u soo gudubto." https://www.bbc.com/somali/war-57337914 +health Mareykanka: Ilmaha ka yar labo sano cuntada sokor looguma dari karo "Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay shuruucdeedii ugu horreeyay ee cuntada oo faahfaahsan, kuwaasoo loogu talo galay dhallaanka iyo carruurta. Warbixin uu soo saaray guddiga talobixinta cuntada, ayaa lagu sheegay in qorshuhu uu yahay in carruurta ka yar labo sano aan cuntada wax sokor ah loogu darin. Wuxuu sidoo kale guddigu ku taliyay in haddii ay suurto gal tahay carruurta keliya la siiyo caanaha naaska ilaa ay ka gaarayaan lix bilood. Guddiga ayaa tobankii sanaba labo jeer soo saara warbixin ku saabsan nafaqada. Talooyinkan ayaa lagu dhaqmi doonaa shanta sano ee soo socota. Sida laga soo xigtay khubarrada, in ka badan kala bar dadka qaangaarka ah ee Mareykanka waxay qabaan cudurro raaga oo la xiriira cuntada. Talooyinkan ayaa lagu xusay in tan iyo markii ugu horreysay ee la soo saaray sanadkii 1980, ay dadka Ameerikaanka ah noqdeen kuwo ka walaaca caafimaadkooda. Warbixinta ayaa caadi ahaan diiradda lagu saraa nafaqada ku saleysan sayniska ee loogu talo galay dadka qaangaarka ah iyo carruurta, balse sanadkan waxaa lagu soo daray dhallaanka, si ay nafaqo ku habboon u helaan sanadaha ugu horreeya noloshooda. ""In ilmuhu nafaqo helo 1,000-ka maalmood ee ugu horreeya noloshooda keliya uma horseedeyso caafimaad raaga balse sidoo kale waxay ka caawineysaa dookha dhadhanka iyo cuntada,"" ayaa lagu xusay talooyinka. Iyadoo ay talooyinku xoojinayaan in caanaha naaska ay yihiin kuwa ugu fiican carruurta isla markaana ka ilaalin kara cayilka, haddana haddii aanan la heli karin, waxaa lagu talinayaa in dhallaanka la siiyo caanaha carruurta loogu talo galay ee ay birtu ku jirto. Sidoo kale waxaa lagu talinayaa in marka ay dhashaan kaddib hore loogu bilaabo vitamin D. Waxaa sidoo kale talooyinkan ku xusan in carruurta la siin karo cuntooyinka adag marka ay gaaraan lix bilood. Haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ayaa sidoo kale lagula taliyay inay toddobaad walba cunaan kalluunka, si maskaxda ilmuhu ay u korto. Waxaa haweenka uurka leh sidoo kale lagula talinayaa inay ka fogaadaan aalkolada, inkastoo shaaha iyo qaxwada loo oggol yahay haddii ay u isticmaalaan si taxadar leh. Talooyinkan ayaa sidoo kale kula talinaya dadka Ameerikaanka ah inay xaddidaan cunitaanka sokorta wax ka yar 10%. Qiyaastii 65% dadka Ameerikaanka ah ee ay da'doodu u dhaxayso 19-30 ayaa badsada sokorta, iyadoo 60% dadkaasi ay da'doodu u dhaxayso 31-59. Cabitaannada soda-da iyo kuwa kale ee ay sokortu ku jirto ayaa ah kuwa loogu isticmaalka badan yahay, waxaa soo raaca cuntooyinka fudud ee baceysa iyo nacnaca." https://www.bbc.com/somali/war-55506214 +health "Coronavirus: ""Waxaan ka baqayaa in aan baahi u dhinto Covid-19 kahor""" "Dowladda Hindiya ayaa gebi ahaanba bandow habeen iyo maalin kusoo rogtay guud ahaan dalkaas, si loo yareeyo faafidda xanuunka corona. Hindiya oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 1.3 bilyan oo qof ayaa dowladda waxay ku amartay in ay guryahooda ku nagaadaan, waxaana la xiray dhammaan goobaha ganacsiga, waxbarashada, cibaadada, garoomada iyo xafiisyada dowladda. Arrintan waxaa ay aad u saameysay dad badan oo fuqaro ah, kuwaas oo ku noolaa hadba waxa ay shgaqeystaan maalintaas. Ganacsatada yaryar iyo dadka garab-raratada ah ayaa sheegay in aysan heysanin wax ay ku noolaadaan, maadaama waxa ay maalintii quutaan ay ka helin jireen shaqooyiinka ay markaas qabtaan. Ramesh Kumar, oo ah muwaadin u dhashay Hindiya ayaa BBC-da u sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay ku noolaayeen waxa uu maalintaas soo shaqeeyo, haatanna aysan jirin meel uu ka shaqeeyo, maadaam meelwalba la xiray. ""Waxaan maalintii heli jiray sideed doollar, qoyskeygana wuxuu ka kooban yahay shan qof oo aan aniga u shaqeeyo, waan ogahay khatarta fayraska corona balse ma daawan karo caruurteyda oo baahan,"" ayuu yiri Ramesh. Sidoo kale Maxamed Sabir, oo ah ganacsade leh dukaan yar oo lagu iibiyo caana-garoor oo ku yaala caasimadda Delhi, ayaa sheegay in dhawaan uu shaqaaleysiiyay laba qof, si uu uga faa'ideysto xilliyada xagaaga oo uu dhaqaale fiican u sameeyo. ""Hadda wax mushaar ah ma siin karo oo lacag uma hayo, qoyskeena waxaa ay dhaqaale ka heli jireen beeraha iyo dalagyada, balse dalagyadii way halaabeen sannadkan, waxayna iga sugayaan in aan aniga masruufo, waxaan dareemayaa in aysan jirin cid i caawineysa, waxaana ka cabsi qabaa in corona kahor an baahi u dhimano,"" ayuu yiri Maxamed. Malaayiin xoogsata ah oo ku nool dalka Hindiya ayay xaaladda ku xumaatay, kadib markii ra'iisul wasaraaha dalkaas, Narendra Modi uu talaadadii ku dawaaqay bandow habeen iyo maalin ah, waxaana dalkaas laga soo sheegay 500 oo kiis oo xanuunka corona, halka 10 qofna ay u dhinteen. Dad badan ayaa sheegay in aysan heysanin wax ay cunaan, maadaama aysan jirin meel ay ka shaqeystaan oo xaaladda wadanka ay isbadeshay. Dowladda uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Narendra Modi iyo barasaabyada gobolo badan oo ku yaala dalkaas ayaa ballanqadaay in taageero dhaqaale siin doonaan dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay nolosha sii wataan inta lagu guda jiro marxaladdan. Hey'adda shaqalaaha adduunka ee ILO ayaa sheegtay in boqolkiiba 90 dadka ka shaqeeya Hindiya ay yihiin kuwa ka shaqeysta shaqooyin hoose. Intooda badan dadkaas ayay hey'addu sheegtay in aysan laheyn xuquuq sida lacagta la siiyo dadka hawlgabka ah, fasaxyada qofka marka uu xanuunsado iyo ceymis. Cudurka Coronavirus wuxuu weli fara ba,an ku hayaa 5-ta qaradood ee caalamka. Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay fayraska Corona in uu yahay mid halis ku ah aadanaha, islamarkana ay tahay in bina'adamku dhammaan ay la dagaalamaan. Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeyay in jawaabta uu bixiyo hal dal aysan ku filnayn la dagaalanka cudurka islamarkana ay muhim tahay in la isu garabsado. Wuxuu khudbad ka jeedinayay kulan xarigga looga jarayay lacag gaareysa balaayiin doollar oo loogu talagalay in lagu kaabo dalalka u nugul cudurkan, kuwaasi oo aan xitaa heli Karin adeega asaasiga ah ee caafimaadka. Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa dhankeeda sheegtay baahidda loo qabo in cudurkan baaritaankiisa iyo karantiilka dadka uu haleelo la sii xoojiyo. Dalka Mareykanka waxaa imika la xaqiijiyay guud ahaan dalkaasi in ka badan 60,000 oo kiis islamarkana kala bar kiisaskaasi waxaa laga helay magaalada New York. Spain waxaa imika la diiwaangaliyay tiradii ugu badneyd ee u dhimatay corona, waxayna noqotay dalka labaad ee dadka ugu badan ay ku dhinteen, taas oo ka sare marisay Shiinaha. Xukuumadda Madrid ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay mareyso in ka badan 3, 400 oo qof." https://www.bbc.com/somali/war-52045386 +health Caabuuqa mucormycosis :Kumanaan kiisas cudurka cusub ah oo laga helay dalka Hindiya "Hindiya ayaa diiwaan gelisay in ka badan 8,800 kiisas oo ku saabsan 'cudurka caambarta madow' oo si weyn uga dillaacay halkaas. Cudurkan waxaa sababa cabuuqa loo garanayo mucormycosis oo mid naadir ah oo horseedi kara dhimasho. Dadka qaar ee uu cudurkan ku dhacay waxaa lagu badbaadiyay in laga saaro indhaha. Bilihii la soo dhaafay, Hindiya waxaa laga soo tebiyay kumaanan kiisas ah oo ku saabsan cudurkan oo saameeyay dadka ka bogsaday xanuunka Covid-19. Dhakhaatiirta Hindiya waxay BBC u sheegeen in kiisaska cudurkan ay maalinkii kor u kici karaan 12 ilaa 18, gaar ahaan dadka ka caafimaada Karoona. Kala bar kiisaska cudurka cambaarta madow waxaa laga soo tebiyay gobollada galbeedka dhaca ee Gujarat iyo Maharashtra halka in ka badan 15 gobol laga diiwaangeliyay inta u dhexeysa 8 ilaa 900 kiis. Ka dib markii uu cudurkan ka dillaacay Hindiya, ilaa 29 gobol ayaa xaalad degdeg ah looga dhawaaqay. Dhakhaatiirta waxay sidoo kale sheegeen in xarumaha lagu daweynayo buukaanada uu ku dhacay cudurka ay buux dhaafeen. In ka badan boqolkiiba 80 dadka uu ku dhacay cudurka ayaa u baahan qalliin, sida uu BBC-da u sheegay Dr VP Pandey oo ah madaxa cisbitaallada dowladda. Dr Pandey wuxuu sheegay in ay sare u kaceen dadka uu soo ridanayo cudurka 'cambaarta madow' isla markaana illaa 400 qof ay u jiifaan cudurka kuwaas oo ku sugan cisbitaal ku yaalla magaalada Indore oo dhacda bartamaha Hindiya. ""Cudurka cambaarta madow ayaa Hindiya ku hayaa dhibaato ka badan tan uu ku hayo cudurka Covid-19, haddii bukaanada aanan si fiican loo daweynin, heerka dhimashada waxay gaari kartaa boqolkiiba 94, daweynta cudurkana waa qaali, waxaana gabaabsi ah dawada,"" ayuu yiri Dr Pandey. Dhakhaatiirta waxay sheegeen in dawada Amphotericin-B ama ""ampho-B"" la siiyo bukaanada uu ku dhacay caabuqa ka dhasha cudurkan. Dhakhaatiirta waxay sheegayaan in cudurkan uu si ba'an u saameeyay dadka la daalaa dhacayo cudurka macaanka. Tusaale ahaan, daraasad laga soo qaaday 45 qof oo bukaan ah oo jiifa cisbitaallada Mumbai, ayaa muujineysaa in dhammaan bukaanadaas ay qaban xannuunka macaanka. ""Bukaannada uu ku dhacay caabuqa mucormycosis, waxay markii horeba dhibaato ku qabeen heerka ay gaarsiisan tahay sokorta dabiiciga ah ee jirkooda,"" sida uu BBC u sheegay Dr Akshay Nayar, oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinka indhaha. Mucormycosis waa caabuq aad dhif u ah. Waxaa sababa in qofku uu la fal galo fangas inta badan laga helo ciidda, dhirta, digada, iyo khudradda quruntay. ""Waa wax meel walba yaalla waxaa laga helaa ciidda iyo hawada iyo xitaa sanka iyo xaakada dadka caafimaadka qaba,"" ayuu yiri Dr Akshay Nair, oo ah dhakhtar qalliinka indhaha ku takhasusay oo ku sugan Mumbai. Wuxuu saameeyaa sanqada, maskaxda iyo sambabada wuxuuna gaar ahana halis ku yahay dadka qaba macaanka iyo bukaannada kansarka amaba dadka la nool HIV/Aids." https://www.bbc.com/somali/war-57225563 +health Coronovirus: Koonfur Afrka oo looga digay iney soo wajaheyso dhimashadi ugu badneed "Saaynisyahhanada ayaa ka digay ilaa iyo dhammaadka sanadkan iney cudurka coronovirus ay Koonfur Afrika ugu dhimanayaan ugu yaraan 40,000 oo qof. Saadaashaasi waxaa sameeyey aqoonyahanno iyo khubaro caafimaad oo dowladda latalinta u qaabilsan. Digniinta khubarada ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Madaxweynaha Koonfur Cyril Ramaphosa Afrika u sheegay bisha June in la khafiifinayo xayiraadaha dalkaasi lagu soo rogay. Xayiraadda dalka Koonfur Afrika ayaa la soo rogay bisha March iyada oo xayiraaddaasi lagu mamnuucay iibinta sigaarka iyo khamriga in la iibiyo si loo xakameeyo faafitaanka faayraska corona. Dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin 57 malyan oo qof, ayaa Covid-19 laga helay 17,200 00 qof 312 qofna ay u dhinteen. Dalka Spain oo ay ku nool yihiin 47 malyan oo qof marka la barbar dhigana waxaa laga helay 278,000 oo kiis iyada oo ay 28,000 oo qof ay cudurkan u dhinteen. Saadaasha lagu sameeyey Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay kiisaska cususb ee cudurka Covid-19 iyo dadka u dhimanayaba iney sii kordhayaan. Wasiirka caafimaadka ee dalka Koonfur Afrika Dr Zweli Mkhize oo warbixin ku saabsan faayrsaka corona soo bandhigay ayaa cambaareyn kala kulmay warbixintiisa iyada oo lagu sheegay iney dowladda wax badan qarineyso. Khubarada oo saadaashooda sii watana waxay sheegeen dabayaaqada bisha August iney kiisaska coronavirus ee dalka Koonfur Afrika ay gaarayaan 100,000, bisha November marka la gaarana dadka cudurka u dhintay ay tiradoodu gaareyso 40,000. Howlaha iisu dheellitirka ee Koonfur Afrika Waxaa soo diyaariyey Nomsa Maseko, BBC News, Johannesburg Siyaasadda ku aaddan covid-19 iyo cilmi baadhista ayaan ahayn mid xooggan. Madaxa Xulafada Isbahaysiga Dimuqraadiyadda dowladda ayuu maxkamadda ka dacweeyey, isaga oo ku doodaya awaamiirta xayiraadaha ee ay soo rogtay inaan la isku halleyn karin isaga oo weliba dalbanaya in la qaado xayiraadda lagu soo rogay iibinta sigaarka iyo khamriga. Dowladda lafteeda hal af kuma hadasho oo hadallo kala bedbeddelan ayey ku hadashaa. Bishanna madaxweyne Cyril Ramaphosa wuxuu sheegay khafiifinta xayiraadaha ee ""heerka 4"" iyo ""heerka 3"" iskuulladana la furayo dad badanna ay shaqooyinkooda ku laabanayaan. Wasiirka caafimaadka ee Zweli Mkhize ayaana u muqda mid ka warwareegaya hadalka hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ka soo yeeray oo ah inuu dalka Koonfur Afrika uu haatan diyaar u ahayn inuu qaado xayiraadda ""heerka 3"" maadaamaa uu weli uu cudurka uu ku sii faafayo dalkaasi. Bishii March. Madaxweyne Ramaphosa ayaa soo rogay xayiraado adag oo ka adag waddama badan. Shaqaalaha intooda badan ayaa lagu amray iney guriyahooda ka bixin. Waxaa intaa dheer oo la manuucay sigaarka iyo khamriga, waxaa sida oo kale la joojiyey jimicsiyada ay dadku waddooyinka ku sameynayeen. 1-da bisha May waxaa xayiraadda ""heerka 5"" la gaarsiinayaa ""heerka 4"" taasoo shacabka u oggolaaneyso iney jimcsi sameeyaan 06:00 iyo 09:00 labadaba. Shacabka Koonfur Afrikana waxaa mar weliba looga baaqaa iney maaskarada afka iyo sanka lagu xirto ay xirtaan isla-markaana ay u hoggaansamaan awaamiirta kala fogaanshaha." https://www.bbc.com/somali/war-52749687 +health Coronavirus: Maxay tahay sababta aysan Hindiya si fiican ugu baareynin coronavirus? """Waxaan dhammaan dalalka u heynaa farriin sahlan - baar, baar, baar,"" sidaa waxaa toddobaadkan magaalada Geneva ka sheegay madaxa Hay`adda Caafimaadka Addunka ee (WHO) Tedros Adhanom Ghebreyesus. Wuxuu ka hadlayay xanuunka coronavirus, kaas oo dilay in ka badan 10,000 oo qof isla markaana ku dhacay dad kor u dhaafaya 207,000 oo ku nool ilaa 159 dal. ""Dhammaan dalalka waa inay awood u yeeshaan baaritaanka kiisaska xanuunka looga shakisan yahay, lama dagaallami karaan xanuunkan safmareenka ah iyagoo aan wax ka qaban,"" ayuu yiri. Iyadoo laga soo sheegay ilaa 182 fayraska Corona ah iyo afar dhimasho, Hindiya taladan ma u qaadatay si dhab ah? Waddankan oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan dunida ma sameynayaa baaritaankii laga filayay? Hindiya waxay shalay 72 sheybaar oo dalkaasi ku yaalla ku baartay ilaa 14,175 oo qof - waa tiradii baaritaanka lagu sameeyay ee ugu hooseysay dunida. Sababta: dalku ma haysto qalab baaritaan oo ku filan. Sidaa darteed, keliya dadka xiriirka la yeeshay kuwa qaba fayraska amaba dadka u safray dalalka uu xanuunku aadka uga jiro, ama shaqaalaha caafimaadka ee fayraska la dagaallamaya ayaa la baaraa. Maxay tahay sababta dal ay ku nool yihiin bulsho hal bilyan ka badan uusan sidii loogu talogalay u baareynin dadka? Sida rasmiga ah ee loo maleynayo waa inuusan xanuunku ku dhex faafin bulshada. Iyadoo ""caddeyn"" ka soo baxday waaxda caafimaadka lagu sheegay in 826 baaritaan oo lagu sameeyay bukaanno qaba xanuunnada neefmareenka intii u dhaxaysay 1-dii iyo 5-tii bishan laga waayay xanuunka coronavirus. Sidoo kale isbitaallada ayaanan wali soo sheegin inay kordheen dadka qaba xanuunnada neefmareenka ku dhaca. Waxa kaliya ee la iska dhaadhicin karo waa in coronavirus uusan wali ku baahin bulshada Hindiya. Balse khubarradu ma hubaan arrintaas. Badankood ayaa aaminsan in Hindiya aysan sidii loogu talogalay u sameynin baaritaanka sababtuna ay tahay inay ka baqeyso inaysan haysan qalab ku filan iyo in hannaanka caafimaad ee dalkaasi ay saameyn ku yeelan doonaan bukaannada. ""Waan ogahay in baaritaan xooggan uusan xalka ku jirin, balse habkeenna baaritaan aad ayuu u yar yahay. Waxaannu u baahannahay inaan degdeg uga hortagno inay bulshadu isu gudbiso xanuunka,"" waxaa sidaa yiri K Sujatha Rao, oo hore uga tirsanaa waaxda caafimaadka. Markii dhinacyo badan laga eego, waa Hindiya oo isku dayeysa inay la dagaallanto xanuunka safmareenka ah iyadoo haysata qalab yar oo caafimaad. Khubarrada ayaa ka hadla sida uu dalkaasi uga guuleystay dabeysha iyo inuu xakameeyay HIV/Aids, iyo weliba dhawaan oo uu xakameeyay xanuunka H1N1. Sidaas oo ay tahay, coronavirus waa mid ka mid ah xanuunnada la is qaadsiiyo ee ugu halista badan inta lagu hayo taariikhda dhow. Hindiya ayaa haatan sare u qaadeysa baaritaanka. Saraakiisha dalkaas ayaa sheegay in sheybaarrada dalkaas ay awoodaan in muddo lix saacadood gudahood ah ay ku soo saaraan jawaabta isla markaana sheybaar walba uu sameyn karo ilaa 90 baaritaan maalintiiba, taas oo la laba jibbaari karo. Ilaa 50 sheybaarro cusub ah ayaa la filayaa inay billaabaan baaritaanka wixii loo gaaro dhammaadka toddobaadkan. Saraakiisha dalkaas ayaa sheegaya in marka la isku geeyo ay sheybaarradu awoodi doonaan inay maalintii baaraan 8,000 oo kiis. Toddobaadyada iyo bilaha soo socda ayaa la arki doonaa haddii tallaabooyinkaas ay yihiin kuwo wax ku ool ah. Hindiya 10,000 ee qof waxaa ku soo aadaya siddeed dhakhtar marka loo barbardhigo Talyaaniga oo 41 ah iyo Kuuriya oo 71 ah. Hal isbitaal oo ay dowladdu maamusho ayay ku tiirsan yihiin dad ka badan 55,000 oo qof. Dadka badankood ma tagi karaan isbitaallada gaarka loo leeyahay. Waxaa dalkaasi lagu yaqaannaa baaritaan hooseeya, dadka isku arka calaamadaha hargabkana ma tagaan isbitaallada ee taas beddelkeed guriga ayay isku daweeyaan." https://www.bbc.com/somali/war-51976851 +health Saamaynta corona fayras: Dadka Kenya daggan 'ee salaadaha kusoo tukada Soomaaliya' "Iyadoo bishaa barakeysan ee Ramadan ay ku dhowdahay bartamahaa, haddana dalal badan oo caalamka ka mid ah dadka ku nool ee Muslimiinta ah ma aysan helin masaajid ay taraawiixda iyo salaadaha kale ee waajibka ah ay ku tukadaan. Waxaa jiro dalal dhowr ah oo Muslimiinta loo ogol yahay in ay masaajidda ku tukadaan. Soomaaliya na masaajidda badankooda si caadi ah ayey u furan yihiin. Dalka Kenya oo Muslimiin badan ay ku nool yihiin, goobaha cibaadada lama ogola in la isugu tago, tallaabadaas oo saameysay Gobolka Waqooyi Bari, sida magaalada xudduudda ku taalla ee Mandera. Dadkaas reer Mandera waxay billaabeen in ay u ""gudbaan"" dhinaca magaalada Baladxaawo si ay salaadaha jameecada halkaasi ugu soo gutaan kadib markii magaalada Mandera laga joojiyay gabi ahaanba in salaadaha lagu tukado misaajidyada iyadoo laga cabsi qabo xanuunka Coronavirus. Dadka salaadaha u doonta Baladxaawo ayaa u badan ""dhalinyaro salaadda Jimcaha iyo taraawiixda u doonta inay si jameeco ahaan ay ugu soo tukadaan dhanka Soomaaliya"", sida maamulka iyo dadka qaar ee gudba u xaqiijiyeen BBC Somali. Cabdi waxa uu ka mid yahay dhalinyarada reer Mandera ee Baladxaawo u gudubta si misaajidda magaaladaasi ee Soomaaliya ugu soo tukadaaan, waxuuna BBC-da u sheegay ""inaysan ka maarmin salaada Jimcaha gaar ahaan xilligan bisha soonka lagu jirro. Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: ""Anaga hadaan nahay reer Mandera kama maaranno salaadsa qudbada waayo dad muslimiin yaan nahay waxaa la jooga bisha soonka, dhalinyarada qaar oo aan aniga ka mid ahay, Balad-xawo ayaan aadnaa qudbada ayaan kusoo tukanaa, tarawiix kumajiro taasna wa waajib Alle subxaana watacaalaa uuna farayo"". Wiilkan dhalinyarada ah ayaa intaasi raaciyay inay wadanka Kenya u soo duceeyaan inuu cudurkan Alle ka dulqaado. Maamulka Mandera ayaa uga digay dadka salaadaha u doonta dhinaca Balad-xaawo in la karantiili doono marka ay soo noqdaan, lana hayn doono mudo 14 maalmood ah, maadaama ay tageen ""dal si weyn uu cudurka Corona uga jiro,"" waxaa sidaasi BBC u sheegay Madaxa Caafimaadka Ismaamulka Mandera. Qaar ka mid ah dadka xuduuda u gooya salaada darteed ayaa markii ay maqleen amarka dowlada joojiyay inay xuduudda ka gudbaan. Dadka u gudba dhinaca Balad-xaawo ayaa xuduuda si nabad ah ku mara habeenkiina markay salaadaha soo tukadaanna dib ugu soo noqda dhanka Mandera xilli habeennimo ah. ""Taa waxaa u fududeeyay in labada magaalo ay isku darsameen oo aan la kala garaneyn"", ayuu yiri qof la hadlay BBC. Cabdilaahi Shukri oo ka mid ah dhalinyaro Baladxaawo u gudubta si ay salaada jamaacada ugu soo tukadaan waxuu yiri: ""Waan joojinay hadda inaan Baladxaawo aadno maadaama dowladu ay dadka karantiilayso, reer Baladxaawo waa dad aad u jecel diinta"". Qaar ka mid ah culimada Magaaladda Mandera ayaa ka hadlay dhalinyarada salaadaha u doonta dhinaca Baladxaawo ee ka gudubta xuduudda Soomaaliya iyo Kenya. Sheekh Isxaaq Maxamuud oo ka mid ah culimadaas ayaa yiri: ""Anaga reer Mandera hadaan nahay waxaan ka warqabnaa oo aad ulo socanaa ficilada ay dadka qaar sameynayaa ayagoo jabinaya awaamirta ama taloyiinka dowladda kasoo baxaya"". Sheekh Isxaaq ayaa intaa ku daray in gudbidda ay tahay ""ficil aan waafaqsanayn shareecada islaamka,"" wuxuuna yiri: ""Waa qalad inaad aado meel aad ogtahay inuu cudur ka jiro"". Sheekha waxaa kaloo uu BBC-da u sheegay inuu arkay dad Baladxaawo u socda si ay taraawiixda ugu soo tukadaan. ""Aniga shaqsiyan wey isoo martay inaan arkay dad dhahaya 'Baladxawo ayaan u soconaa' waann ka celiyey, marka rabigiina ka baqa umada fitno ha usoo jiidina, hadda ayuu culeys na haystaa, culeys ka daran hanoo keeninna, nafsadina ha halaagina, guryahiin ku tukada, isku socodka hala joojiyo, dowlada aan la sheqeyno, dadka xuduudka ka gudbayo haloo sheego dowlada haloo gudbiyo"", ayuu yiri. Labada Magaalo ee Mandera iyo Baladxaawo waxaa mudo dheer ay ahaayeen kuwo isku tiirsan xaga ganacsiga, waxbarashada iyo waliba dhaqdhaqaaqa shacabka oo boqolaal qof ay maalin walba labada dhinac u kala gudbayeen." https://www.bbc.com/somali/war-52535098 +health """Sababta aan ugu maleeyay in canugeyga uu lahaa indho sheyddaan""" "Catherine Cho waxay la kulantay dhibaato weyn oo xitaa welwel iyo la yaab ku reebtay qoyskeeda gaar ahaan markii ay dhaleysay wiilkeeda Kato, Waxay markaas ku sugnaayeen Mareykanka, Catherine Cho iyo seygeeda James waxay ahaayeen kuwo welwelsan markii ay la safreen canugooda oo 2 bilood dhallanaa. Catherine waxay ka shakeysay waxyaabihii la yaabka ahaa ee iyadu u muuqday kuwaas oo xannuun ku reebay , arrintaas oo aysan waxbo kala socon qoyskeeda balse seygeedana jahwareer ku reebay. Gabadhan waxaa u muuqday in ay ku dhex go'doonsaneyd dab holcaya xilli kaligeed ay u muuqdeen dhacdooyin naxdin badan ku reebay, waxay arki jirtay waxyaabo welwel u horseeda oo aysan dadku arkin. ""Waxaan u maleynayay in hoteel dhexdiisa na lagu afduubtay, dab ayaan arkayay… waxaa ii muuqday in seygeeda iyo canugeyga ay dhinteen"". ""Waxaa ii muuqday in canugeyga Kato oo dhintay xilli aabihiisa uu gacanta ku hayay. dhabtii Kato wuu noolaa ma uusan dhiman, waa waxa aniga ii muuqday,"" ayay tiri Catherine. Waxay sidoo kale ka sheekeysay dhacdooyinkii naadirka ahaa ee ka dhex guuxayay maankeeda, xitaa mararka qaar waxay sheegtay in waxyaabo naxdin leh ay daba guurayeen taas oo markii ay ku wargelisa qoyskeeda aysan inaba arkeyn. Maskax ahaan iyo caafimaad ahaan way saameyeen arrimahaas, fajac iyo murugo ayaana nolosheeda ku habsaday markii ay dhashay canugeeda Kato, sida ay sheegeyso gabadhan. Xilli subax ah, kaddib markii Catherine aysan wax hurddo ah qaban muddo habeeno ah, waxaa la fadhiistay seygeeda James oo kala sheekeystay sida ay tahay xaaladdeeda caafimaad. Wuxuu weydiiyay: ""Waxaan ogahay in aad dhawaan canugan dhashay, waxaa ku qabaa dhibaato, marka weligaa ma kuugu dhacay xannuunka dhimirka ee ku dhaca dumarka qaar marka ay umulaan?"" ""Haa"" ayay ku tiri. ""Waa xannuun caadi ah, waxaan filayaa in uu kugu dhacay welwel iyo isku buuq, waxaan arkay in markasta aad walbahaarsan tahay, wax hurrdo ahna kuma qabato - waxaad ku sugan tahay xaalad halis ah, waa in aad ka fakartaa sidii aad isku daryeeli laheyd,"" ayuu ku yiri seygeeda James. Catherine subixii dambe waxay la kulantay wax u muuqday ""Canugeeda oo leh indho sheeydaan ah!"". ""Waxaan u maleeyay in canugeyga uu leeyahay wax u eg indho sheyddaan, indhihiisu waxay ahaayeen kuwo casaan ah"". Waxay sheegtay in arrintaas ay ka naxday isla markaana ay seygeeda u sheegtay in guriga ay isaga guuraan maadama ay argagaxday. Waxay sidoo kale sheegtay in mararka qaar ay maqli jirtay qeylo iyo cod ku dhawaaqayo in canugaaga la doonayo in uu dhinto. ""Waa in canugaaga uu dhintaa... waana waxa iga argagixiyay. Waxaan ku iri 'Fadhlan ha dilina'."" Catherine waxaa markii dambe la ogaaday inay qabtay xannuunka dhimirka ee ku dhaca dumarka qaar marka ay umulaan. Waxay sheegtay in xannuunkan laga daweeyay. ""Waxaa la i geeyay qeybta dadka qaba xannuunka dhimirka. Waxaana lala socday xaaladdeyda caafimaad"". Catherine waxay hadda qortay buug xusuus qor ay ugu magac dartay 'Dabkii faraha ka baxay' waxay buuggan kaga sheekeyneysaa dhacdooyinkii xannuunka badnaa ee nolosha harreeyay iyo sida xiskeeda uu dib ugu soo laabtay sidii caadigii aheyd, iyo casharradii ay ka baratay xannuunkaas. Dib ayay u eegtay wiilkeeda oo in muddo ah aysan dan ka lahaan jirin daryeelkiisa. Catherine waxay ku nooshahay magaalada London, waxayna ku dhalatay Mareykanka, xanuunkii hayayna way ka caafimaaday." https://www.bbc.com/somali/war-53237603 +health Qaadka Kenya ee loo dhoofiyo Soomaaliya oo qarka u saaran inuu joogsado Bishii toddobaad  ee sanadkan ayaa waxaa dib u bilowday Qaadka Kenya ee loo dhoofiyo Soomaaliya, kaasoo xirnaa tan iyo sanadkii 2020. Haseyeeshee farxadii ganacsatada ay qabeen ma noqon mid raagta, waxaana durba murugo iyo walwal hor-leh ay ka qaadeen lacago ay ku sheegeen 'sharci daro' oo lagu soo rogay. Bishar Axmed oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ee Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in lacagaha laga qaado aysan ahayn canshuurta dowladda (Kenya iyo Somalia) iyo tan kirada diyaaradaha midna. “Waa lacag baad ah, ma aha canshuur. Canshuurta dowladda halkan ayaan ku bixiinnaa (Soomaaliya), tan kirada diyaaraddana Kenya ayaa lagu bixiyaa. Lacag kaloo dheeraad ah oo aan miisaan ahayn, canshuur na ahayn ayaa la bixiyaa” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in lacagtaas ay ku wargeliyeen inay bixyaan ragga iyo dumarka qaadka soo dhiibta ee Kenya jooga. Lacagahan dheeraadka ah ee ay ganacsatadu sheegeen in laga qaado ayay ku andacoodeen in ay qaataan dad ay ku tilmaameen “ma gafe” oo jooga dhanka Kenya, arrintaasna ay soo socotay in muddo ah. Beeraleyda khaadka ee Kenya ayaa cabasho arrintan la xiriirta u gudbiyay madaxweynaha Kenya, oo balanqaaday in uu wax ka qabanayo. “Lacagtaas meesha ay u socoto annaga nalooma sheegin, ma gafe ayaa qaata,” ayuu yiri Bashiir oo ka mid ah ganacsatada qaadleyda ee Soomaaliya. Waxa uu intaa ku daray in aysan garaneynin waxa ay yihiin dadka lacagta dheeraadka ah ka qaada. “Lacagtu ma aha mid dhanka Soomaaliya laga qaado ee waa mid Kenya gudaheeda lagu qaado. Xilligii hadda qaadka la furay ilaa iyo hadda ayey socotaa,” ayuu yiri Bashiir ku daray hadalkiisa. Waxa uu intaas ku daray in ay qarka u saran yihiin in ay gebi ahaanba joojiyaan ganacsigooda, sababo la xiriira “lacagta dheeriga ah” ee laga qaado, oo dhan shan doolar kiiladii ba, taas oo ka dheeraad ah lacagaha caadiga ah ee canshuurta ah. “Shaqada jaadka in la iska joojiyo ayaan ku dhow nahay. dadka deymo ayaa farqaha ugu xiran, oo shaqadan in la iska joojiyo ayey u dhowdahay,” ayuu yiri. Sacdiya Muxudiin Cali oo sidoo kale ka mid ah ganacsatada qaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhawr jeer dawlada Soomaaliya u gudbiyeen cabashadooda. “Waan ku daalnay sida aan ula hadlaynay dowlada Soomaaliya, canshuurtooda keliye ayeey eegtaan, xitaa waan mudaharaadnay maalmo badan laakiin wax dheg jalaq noo siiyay ma laha. dad masaakiin ah oo lagu tunto ayaa nahay,” ayey tiri Sacdiya Muxdiin. Guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ee magaalada Maua oo ka mid ah meelaha Qaadka laga keeno, Maxamed Quraysh Macalim ayaa qiray in ay jirto “lacagta dheeriga ah” ee laga qaado ganacsatada qaadka. “Waxay soo billaabatay xilligii corona-há oo shaqada ay istaagtay haddana labada dowladood ay cilaaqad sameeyeen oo xoogaa shaqada naloo billaabay,” ayuu yiri. Isagoo sii sharraxaya waxa ay lacagtaas tahay ayuu yiri: “Sida aan hadda u heysanno waxay nala tahay in ay yihiin qolooyin dhexda wax ka hagaagsaday. Dadkii Jaadka gadayay ee xagga Muqdisho ku ganacsanayay dhowr jeer bey dowladdaas u cawdeen oo ay xitaa bannaanbax dhowr jeer [sameeyeen], annaga lafteennana cabasho waan gudbinnay.” Maxamed Quraysh ayaa xusay in suuqa xumaaday ay uga sii darayaan dhibaatada abaarta ka dhalaty iyo qiimaha nolosha ee sare u kacay, taas oo nolosha ku adkeysay ganacsatada qaadka iyo beeraleyda tacabta. Arrintan ayaa waxay hoos u dhigtay qaadka horay Soomaaliya loogu dhoofin jiray. Saddex sano kahor inta aan la joojin dhoofinta qaadka, 50 tan ayey ganacsatada maalin walba u diri jirin Soomaaliya laakin hadda waxay dhoofiyaan 19.2 tan oo keliya, sida uu noo sheegay maamulka ganacsatada qaadka. Bishaar Axmed oo dhanka Soomaaliya uga ganacsada Qaadka ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ka codsaday in ay arrintan wax ka qabtaan oo qiimihii hore ee ay Qaadka ku iibsan jireen lagu soo celiyo. “Waxaan codsan lahaa, in Qaadka beeciisii hore lagu soo celiyo, shacabkana sidaa ayaa u roon, ganacsatadana jeebkooda sidaa ayaa u faa’ido badan oo u fiican,” ayuu yiri. Guddoomiyaha ganacsatada Qaadka ee dhanka Kenya ayaa isna dhankiisa soo jeediyey in meesha laga saaro dallaaliinta si ay ugu ganacsadaan si xor ah. Madaxweeynaha Kenya, William Ruto oo mahad naq u tagay magaalada Maua inta aan xilka loo dhaarinin ayaa ganacsatada Qaadka u sheegay inuu “si adag wax uga qaban doono dallaallinta dhibka ku haya”. “Maadaama aad isoo doorateen waxaad ii dhiibteen ul aan ku garraaco dadkaan idin dhibaya, marka xilka la ii dhaariyo horay ayaan ka bilaabaaya dadkaan (dallaaliinta) inaan wax ka qabto,” ayuu yiri Madaxweyne William Ruto. Madaxweeynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ganacsatada Qaadka u sheegay inuu toddobaadkaasi gudihiisa oo ah toddobaadka xilka loo dhaariyey la kulmayo madaxweeynaha Soomaaliya oo Kenya u joogay ka qeyb galka xafladda dhaarintiisa, wuxuuna yiri. “Waxaan la kulmaaya madaxweeynaha Soomaaliya, arintiinna Qaadka waxay ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee aan kala hadli doono madaxweeynaha Soomaaliya”. “Dalaalleyda yeysan idin cabsi gelinin,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Maadaama uu aad hoos ugu dhacay Qaadkii loo dhoofin jiray Soomaaliya oo ahaa suuqa ugu ballaaran ganacsatada Qaadka Kenya, hadda waxay Qaadka intiisa badan u diraan gobolka waqooyi bari ee Kenya. Horay ayey caqabado waaweyn usoo wajaheen ganacsatada Qaadka, iyadoo dhowr sano ka hor ay mar dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo gebi ahaanba dalkeeda ka mamnuucday Qaadka uga imaada Kenya ka dib markii uu khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay labada dal. Saraakiisha Dowladda federaalka Soomaaliya oo aan isku daynay in aan la hadalno si aan wax uga weydiinno arrimaha ku saabsan lacagaha dheeraadka ah ah ee ganacsatada qaadka sheegeen in laga qaado noogama aysan soo jawaabin farriimaha aan u dirnay. https://www.bbc.com/somali/articles/c72e29dqzz9o +health Isbedbedalka coronavirus ee saynisyahannadu ku dawakheen "Cilmi baadheyaal Maraykan iyo Ingiriis ah ayaa ogaaday boqolaal isbedel oo ku dhaca fayraska kuwaas oo keena cudurka Covid-19. Laakiin ilaa haatan midkoodna ma soo bandhigin waxa arintan ay ogaadeen uga dhigantahay in fayrasku ku fido dadka iyo wax tarka talaal yeelan karo. Fayrasku wuu is bedbedelaa- waana dhalankiisa Su'aashu se waxay tahay: isbedelladaa ku dhaca fayrasku wax ma ka bedelaaan halista ama fididda cudurrada uu keeno? Daraasad hor dhac ah oo Maraykanku sameeyey ayaa muujinaysa in isbedellada nooc ka mid ah oo la yidhaa D614G uu noqonayo nooca ugu badan oo ay suurto gal tahay inuu cudurka ka dhigo mid aad u fida. Maxaad kala socotaa tirada laga yaabo in sanad gudihiis ay Corona ugu dhintaan Afrika? Cudurka Corona oo ku sii faafaya Aqalka cad ee Mareykanka Karoona fayras: khatar intee la eg ayuu ii geysan karaa haddii aan uur leeyahay ? Ilaa haatan daraasada lama soo hor dhigin saynisyahanno kale si rasmi ahna weli looma faafin. Cilmi baadheyaal ka tirsan shaybaadhka Los Alamos National Laboratoy ee gobolka New Mexico, ayaa muddo la socday isbedello ""xawli ah"" oo fayraska u yeelay qaabkiisa u gaarka ah, waxaanay adeegsanayeen hab lagu la socdo xogta oo la yidhaa Global Initiative on Sharing All Influenza Data (GISAID). Waxay ogaadeen in ay u badantahay in isbedelkan ku dhaca fayraska wax xidhiidh la lihi uu keeno inuu dhakhso u koro laakiin waxyaabaha ka dhalan kara habkan aanay weli caddayn. Koox cilmi baadheyaal ah ayaa lafa guray xogta laga soo ururiyey bukaanka coronavirus ee magaalada Sheffield. In kasta oo ay ogaadeen in dadka fayrasku ku dhacay uu isbedel gaara ahi ku dhacay hadana aad moodo in fayrasku ku badan yahay muunadaha laga soo qaaday, laakiin cadayn umay helin in dadka noocaas ah cudurku ku cuslaa ama ay isbitaalka ku jireen mudo ka badan inta dadka kale. Daraasad kale oo ay samaysay Jaamacadda University College London (UCL) ayaa lagu ogaaday in ay fayraska ku dhacaan 198 isbedel. Khubarada daraasaddaa sameeyey midkood, Professor Francois Balloux, ayaa yidhi ""isbedelladu sidooda uma aha wax xun mana jirto caday muujinaysa in SARS-CoV-2 uu isku bedelayo si ka dhakhso badan am ka gaabis badan sidii la filayey"". ""Ilaa haatan ma sheegi karno in SARS-CoV-2 noqonayo mid halistiisu yartahay ama la kala qaado"". Daraasad ay samaysay jaamacadda Glasgow oo iyadna sidoo kale lafa gurtay isbedellada ayaa sheegtay in isbedelladaas aaanay muujinayan fayras nooc kale ahi inuu soo baxayo. Waxaanay gunaanadkii sheegtay in nooc ka mid ah fayrasku uu haatan yahay ka heliya ee socda. In la ogaado isbedelka ugu yar ee ku dhaca fayrasku waxay ma huraan u tahay in la fahmo sida ugu haboon ee talaal loo samayn karo. Tusaale u soo qaado fayraska hargabka: aad buu isku bedelaa waxaana qasab noqonta in talaallka hadba isbedelkaa ku dhaca fayraska sannad walba la waafajiyo si loola tacaalo nooca cusub ee fayraska soo baxa. Talaalo badan oo loogu talo galay Covid-19 ayaa haatan la wadaa oo lagu doonayo in wax lagaga qabto isbedelladan xawliga ah ee fayrasyada. Ujeedaduna waxa weeyi in jidhkaaga la ogolaysiiyo in uu dareemi karo maado gaar ah oo marka fayraskaasi isbedelayaa jidhka galo uu kula dagaalami karo fayraska oo dhan. Laakiin hadii isbedelkaa xawliga ahi hadana isa sii bedelo, talaalkii marka hore la sameeyo wax tar weyn ma yeelanayo. Haatan waxaas oo dhami waa hindise. Saynisyahanaduna ma hayaan xog ku filan oo ay ku cadayn karaan waxa isbedelladaa hidde sideyaasha fayrasku ka dhigan yihiin. Dr Lucy van Dorp oo ka tirsan cilmi baadheyaasha UCL ayaa sheegtay in hadii la helo hab lagu lafa guri karo isbedellada hidde sideyaasha fayrasku ""ay faa'iido weyn u yeelan doonto dedaallada lagu doonayo in dawo lagu sameeyo"". Hase yeeshee waxay BBC-da ku tidhi ""waan jecelahay cilmiga hidde sidayaasha fayraska, laakiin wax badan weli lagama fahmin""." https://www.bbc.com/somali/war-52598368 +health 'Waxaan dhadhamiyay sakaraadka': Sheekada haweeney ka kacday coronavirus "Elizabeth, oo ah haweeney 49 jir ah, waxay ogtahay inay nasiib leedahay haddii ay nooshahay. Kaddib markii ay aad ula xanuunsatay cudurka Covid-19, horaantii bishan waxaa la dhigay isbitaal. Tani waa sheekadeeda, waxana mahad ballaaran u jeedisay howl-wadeennada isbitaalkii ay taallay. Markii ugu horreysay ee aan dareemay inay wax iga khaldan yihiin waxay ahayd maalintii Jimcada. Waxaan dareemay daal ka badan sidii caadiga ahayd, markii aan habeenkii sariirta tagayna daalka aan dareemayay wuxuu ahaa xad-dhaaf ah. Labadii maalmood ee xigay waxaa isoo wajahday xaalad adag. Markii la gaaray Isniinta, waxaa igu billowday lugo xanuun, oo sii sii xoogeystay. Waxaan u maleynayay inay xididdada lugaha i kabaabyoodeen, waxaana liqay kaniini xanuun baabi'iye ah. Laakiin dhakhaatiirtu waxay markii dambe ii sheegeen inuu fayraska toos iiga abbaaray murqaha. Waan qufacayay balse joogto ma ahayn, inkastoo dadka ay mid ka mid ah calaamadaha u maleeyaan qufaca joogtada ah. Muddo hal isbuuc ka badan ayaan guriga iska joogay laakiin hal mar oo aan dibadda usoo baxay - oo aan aaday kaalin shidaal oo deegaanka ku dhex taalla - ayaan cudurka soo qaaday. Guriga waxaan ku soo laabtay anigoo qabow daran dareemaya, oo jareynaya. Xitaa markii aan cabitaan kulul cabay, labo bustena isa saaray, wali dhaxanta igama yaraanin. Kaddibna qandhadii ayaa timid. Waxaan dareemayay sidii in dab la dhex galiyay jirkeyga, madaxana aad ayuu uu kala dillaacayay. Waxba ma cuni karin, waan matagayay, dhidid ayaana ku qoynayay gogosha. Xoogaa kaddina waxaa billaabatay inay neefsashada i dhibto. Waxaan qabaa cudurka neefta, taasina waxay igu sii badisay walwalka. Maalmo yar gudahood miyir dabool ayaa igu billowday. Wiilkeyga 15 jirka ah ayaa anigoo ka warqabin wacay lambarka 111 ee lagala xiriiro waaxda qaran ee caafimaadka UK ee NHS. Dhakhaatiirtii ayaa guriga timid, waxaan maqlayay shanqarta gaariga gurmadka degdegga ah ee ambalaasta. Waxaa dhagaheyga soo gaarayay codka dhakhaatiirta oo dhahaya: ""xaaladdeeda way liidataa, aan gudaha galinno"". Islamarkiiba waxay igu xireen qalabka neefsashada caawiya. Mid ka mid ah carruurteyda ayaa u yeeray hooyadeey. Waxaa iigu darneyd markii aan wajigeeda arkay iyadoo dareemeysa inaysan waxba ii qaban karin. Iima soo dhawaan karto, sababtoo ah waxay qabtaa wadne xanuun, haddii ay fayraska qaaddana xaaladdeeda waxay galeysaa halista ugu weyn. Isbitaalka ayaa la i geeyay, halkaas ayaana la iigu billaabay baaritaanno iyo caawinaad daweyn ah. Afar sariir oo kaliya ayaa taallay qolkii la iga geeyay isbitaalka, qof walba oo halkaas ku jirayna wuxuu qabay Covid-19, cudurro kalena way usii wehliyeen. Labo dumar ah oo halkaas ku jiray waxay qabeen sokorow, dhowr maalmood kaddibna waxaa la keenay haweeney kale oo saddexaad. Ma xasuusto inta badan maalmihii ugu horreeyay ee aan isbitaalka joogay. Waxaan mararka qaar arkayay kalkaalisooyin soo galaya iyo kuwo sii baxaya. Habeen ka mid ah habeennada, waxaan nin ku arkay qeybtii aan isbitaalka ka fiifay, oo loogu talagalay dumarka kaliya. Gambaleelka ayaan garaacay, waxaa ii timid kalkaaliso waxayna ii sheegtay in uu yahay wiil ay dhashay haweeney meesha nagula jirta oo xilligeedii nolosha uu soo dhammaaday. Dawooyinka ayaa waxba u tari waayay, sidaas darteed waxaa la damacsanaa in laga qamiyo qalabka neefsashada ku caawinaya, wiilkeedana sagootintii ugu dambeysay ayuu meesha u joogay. Waxaan indhaheyga ku arkay qof sariirta igu xigta jiifa oo sugaya dhimashada, daqiiqado kaddibna qalabkii ayaa laga damiyay wayna dhimatay. Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaan billaabay inaan ku qarwo dhacdooyinkii hore ee nolosheyda iyo dadkii aan lasoo sheekeysan jiray. Mararka qaar wuxuu shaki iga galayay inaan noolahay. Waxaan isdhahayay qarowgan ma wuxuu ka dhigan yahay nafta oo iga sii baxeysa?. Haddana waxaa geeriyootay haweeney kale oo taallay sariirta dhinaceyga kale ah. Waxay in muddo ah ku jirtay koomo, dibna ugama aysan soo laabanin. Haweeney jiiftay sariirta iigu sokeysay ayaan eegay, waxaan arkay inay soo fiicnaaneyso oo ay hadli karto. Waxay ii sheegtay in qolkii aan ku jirtay bukaannadiisii ay 50% dhinteen 50% kalena noolaadeen, labadeennuna aan ku jirno kuwo nasiibka leh. Waxa nolosheyda badbaadiyay waxay ila tahay inay ahayd hal kalkaaliso oo igu tiri: ""Haddii ay dhakhaatiirtu ku dhahaan waad roontahay ee isbitaalka ka axa - islamarkiiba bax! Ha sameynin khalad ah inaad kusii madax adeygtid joogitaanka isbitaalka adigoo doonaya inay xaaladdaada sii fiicnaato. I aamin, waxaan arkay bukaanno badan oo sidaas ku dooday, siina joogay meeshanuu cudurka xaadirka ku yahay - mid walba oo dadkaas ka mid ah dib ayuu ugu dhacay Covid-19, wayna u wada geeriyoodeen."" Islamaalintii gudaheedaba, waxay tijaabo ku sameeyeen dhiigeyga. Dhakhtarkii ayaa igu yiri: ""Waad roonaatay. Waan ku faraxsanahay inaad isbitaalka ka bixi karto"". Aad baan u farxay, guriga ayaana aaday. Waxaan u mahad celinayaa dhakhaatiirta, kalkaalisayaasha iyo qof walba oo gacan ka geystay inaan dib u caafimaado. Waxaan fursad labaad u helay nolosha adduunka. Waxaa wareysiga qaaday Raffi Berg" https://www.bbc.com/somali/war-52384296 +health Muxuu yahay xanuunkan cusub ee soo ridanaya carruurta Mareykanka iyo Yurub? Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay inay haatan baarayaan kiisas xanuunka cagaarshowga ah oo aan wax badan lafa fahansaneyn kaas oo lagu arkay carruurta afar dal oo Yurub ku yaalla iyo Mareykanka. Kiisaska cagaarshowga, oo ah xanuun beerka ku dhaca, ayaa laga sheegay dalalka Denmark, Ireland, iyo Netherlands, Spain iyo Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Toddobaadkii la soo dhaafay dowladda UK ayaa sheegtay in waaxaha caafimaadka ee UK sheegeen inay ka war heleen kiisas aad u badan oo caabuq ah oo carruurta laga helay. Sababaha caabuqan ayaanan weli la ogeyn. Xarunta Yurub ee Xakameynta Cudurrada (ECDC) ma aysan sheegin inta kiisas ee laga helay guud ahaan afarta dal ee Yurub ka tirsan. Balse Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in tiro ka yar shan kiis laga helay Ireland, iyadoo saddex kalena laga helay Spain. Waxay WHO intaas ku dartay in kiisas badan ay soo bixi karaan maalmaha soo socda. Baaritaannada waxa sababay caabuqan ayaa ka socda dhammaan dalalka Yurub ee kiisaska laga helay, sida laga soo xigtay ECDC. Gudaha Mareykanka, waaxda caafimaadka bulshada ee Alabama ayaa sheegtay in sagaal kiis laga helay caruurta ay da'dooda u dhaxeyso hal ilaa lix sano, oo ay labo ka mid ah u baahan yihiin in beer lagu tallaalo. Waxay waaxdu intaas ku dartay in la baarayo kiisas kuwaan la mid ah oo lagu arkay gobollo kale. UK waa meesha lagu arkay tirada kiisaska ugu badan - iyadoo ilaa iyo haatan laga helay 74 kiis. Toddobaadkii la soo dhaafay Hay'adda Ammaanka Caafimaadka UK ayaa sheegtay in caabuqyada caadiga ah ee sababa cagaarshowga (hepatitis A ilaa E) aysan ku jirin kuwa lagu arkay UK. Sidaas darteed, baarayaasha ayaa u kuur galaya waxyaabaha kale ee laga yaabo inay sababeen, waxayna u maleynayaan in fayraska Adenovirus laga yaabo inuu sabab u yahay. Fayrasyada Adenovirus waxay ka mid yihiin fayrasyada caadi ahaan sababa xanuun aan daneyn sida hargabka, matagga iyo shubanka. Waxay si kastaba sheegtay in arrimaha kale ee laga yaabo inay sababeen la baarayo, meeshana kama aysan saarin Covid-19. Waxay intaas ku dartay inuusan jirin xiriir ka dhaxeeya caabuqan iyo tallaalka Covid-19. Waa magac ballaaran oo loo adeegsado in lagu qeexo beer dillaaca. Caadiyan waxaa sababa caabuq faafa, waxaa sidoo kale sababi kara walxo kiimiko ah, cabidda aalkolo badan, daroogo iyo hiddo-sidayaal aan caafimaad qabin. Waxaa jira shan nooc oo ugu weyn oo cagaarshow ah oo ay sababaan caabuqyada - waxaa loo yaqaannaa A, B, C, D iyo E - balse midkoodna uma muuqdo inuu sababay kiisaska lagu arkay carruurtan. Noocyada qaar ee cagaarshowga ayaa laga bogsan karaa iyagoo aan wax dhibaato ah sababin, halka kuwo kalena ay noqon karaan wax qofka noloshiisa la socda. Dowladda UK ayaa sheegtay in waaliddiinta looga baahan yahay inay isha ku hayaan calaamadaha scagaarshowga. Waalididinta, dhaqaatiirta iyo shaqaalaha kale ee daryeelka caafimaadka ayaa laga codsaday inay carruurta ka eegaan calaamadaha waraabowga, baro yar yar oo jaalle ah oo maqaarka lagu arko iyo qeybaha kale ee jirka, waxaana inta badan si fudud looga arki karaa qeybta cad ee indhaha. Calaamadaha kale ee cagaarshowga waxaa ka mid ah: https://www.bbc.com/somali/war-61146647 +health Haweenay wadnaheeda uu istaagnaa lix saacadood oo dib u soo naaxday "Haweenay Ingiriis ah oo wadnuhu istaagay muddo lix saacadood ah ayaa dhakhtaradii badbaadiyey sida ay xaaladdaa uga soo kacday ku tilmaameen ""lama arag"". Audrey Schoeman ayaa qabow dartii wadnuhu u fadhiistay mar roob baraf wataa ku da'ay iyada iyo odaygeeda mar ay bishii November fananayeen buuraha Pyrenees ee dalka Spain. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in mudadaa wadnaheedu shaqayn waayey ahayd tii ugu dheerayd inta la ogyahay dalka Spain. Schoeman oo haatan si buuxda oga soo kabatay dhitbaa gaadhay ayaa sheegtay in ay rajaynayso in ay buurihii ku noqoto oo fanato guga soo socda. Shir jaraa'id oo ay qabatay Khamiistii ayaa Shoceman waxay Catalan TV ku tidhi ""waxaan dareemayey garaaca wadnaha oo hoos u sii dhacaya..... waan neefsan kari waayey oo garaacii wadnahaaba is taagay"" Markii shaqaalaha gargaarku gaadheen Schoeman heer kulka jidhkoodu wuxu hoos ugu dhacay 18 C. Markii dhakhtarta Barcelona ku yaal ee Vall d'Hebron la geeyey nololi kama muuqan Laakiin qabowga buuraha ayaaba Schoeman ee xanuunkaa u keenay ayaaba si nolosheeda u badbaadiyey ayuu yidhi dhakhtarkeeda Eduard Argudo. Hoos u dhacaa heer kulka jidhkeeda ayaaba maskaxdeeda daryeelay intii ay iyadu dheelimadka ahayd, ayuu yidhi Argudo in kasta oo ay dhimasho qarka u gaadhay. Meel dugsoon markii la geeyey ee heer kulka jidhkeedu kor ugu kacay 30C ayay dhakhaatiirtu markii dambe adeegsadeen aaladda laydh tiriigga ku shaqaysa ee wadna lagu kiciyo lix mudada u dhaxaysay markii wadnuhu istaagay iyo markaasina waxay hayd lix saacadood. Audrey Schoeman waxa dhakhtarkii laga saaray 12 maalmood ka dib iyada oo aan weli dareenka faraheedu wada dhamays tirmin. ""Waxaanu ka cabsi qabnay markii hore in habdhiska dareen wadkeeda dhaawac gaadhay"" ayuu yidhi Dr Argudo. Markii ay soo dheelimadii ka soo toostay ka dib ayaa Schoeman waxay sheegtay in aanay xasuusnayn wixii dhacay mudadaa lixda saacadood ah sidii ay ahayd. ""Wax igu dhacay maan garanayn maalitii koobaad ama ilaa tii labaad markii aan ku dhex miyir saday qaybta daryeelka culus"" ayay tidhi. ""Laakiin markii dambe waxaan bilaabay in aan wax akhriyo dabcanna wax badan baan ka ogaaday xaaladda heer kulka jidhku hoos u dhacayo ee qabowgu sababo, waana wax aan la malayn karin inaan ka badbaaday."" In la heeso ma caafimaad ayaa ku jira? Waxay tidhi Schoeman in ay nasiib badan tahay waxaanay amaantay shaqaalaha isbitaalka. Waxaanay intaa ku dartay in ay suurto gal tahay in aanay buurihii ku noqon xiligan jiilaalka." https://www.bbc.com/somali/war-50709870 +health Maxaad ka taqaan toonta iyo faa'iidada ay kuu leedahay? Soomaalida ayaa si weyn u isticmaasha khudaarta toonta, inta badan waxaa lagu darsadaa cuntada, waana khudrad caan ku ah in loo adeegsado arrimo caafimaad. Toonta waxay kamid tahay khudaarta ugu da'da weyn ee dunida laga beerto, geedka toonta waa mid adkeysi badan oo in muddo ah soo jiray, waxay bahwadaag yihiin sida basasha, basaaska iyo kuwa kale. Waxa ay leedahay caraf gaar ah, weyna ka soocan tahay khudaarta kale. Waxay leedahay dhadhan gooni ah, dadka qaarna ma jeclo dhadhankeeda xitaa iskuma dayi karaan inay ruugaan. Waxaad arkeysaa dad badan oo cuna toonta ama cabba biyaha laga sameeyo gaar ahaan qofka marka uu hergeb ku dhaco ama in loo adeegsado dawo ahaan. Waxa sida weyn loo isticmaalo waa xiddidada geedka toonta, hashii toon waxay ka kooban tahay qeybo yar yar oo gaaraya 20. Toonta waxaa laga helaa nafaqooyin fara badan oo waxtar u leh banii'aadanka, waxaana kamid ah: Tamarta u wanaagsan jirka banii'aadanka oo lagu qiyaasay 4Kcal / 16KJ. Waxay dadka ka caawisaa jir dhiska waxaana ku jirta maaddada borootiin.\nToonta waxaa kale oo laga helaa maddooyinka karbohaydraytyada ah iyo macdanta Potassium-ka ee isku dheelitirta shaqada unugyadeenna jirka. 1. Waxaa ku jira maaddooyin caafimaadka u wanaagsan Toonta waxaa laga helaa maaddo la yiraahdo allicin-maadadan waa midda toonta u yeesha dhadhanka gaarka ah, waxay ka qeyb qaadataa xoojinta caafimaadka, waxay yareysa gaaska ku dhaca caloosha ama xiidmaha, inta badan maadada allicin waa waxa horseeday in si weyn loo adeegsado toonta.\nDad badan waxay riiqaan toonta iyagoo dawo ahaan u adeegsanaya. 2. Waxay yareysaa halista wadno xanuunka Cilmi-baarisyo badan oo la sameeyay waxaa diiradda lagu saaray awoodda toontu u leedahay inay yareyso cudurrada wadnaha iyo caawinta maareynta heerarka kolestaroolka. \nDaraasado dhowr ah waxay sheegeen in toonta ay yareyso in (unugyada ku lug leh xinjirowga dhiigga) ay ku uruuraan xiddidada halbowlaha qaada dhiigga, waxay ka dhigan tahay in toonta ay ka hortagto xinjijowga dhiigga, sidaas darteedna waxay yareysaa halista cudurka wadno xanuunka.\nToontu waxay sidoo kale hoos u dhigi kartaa halista dhiig karka iyada oo loo marayo awoodda ay u leedahay inay ballaariso xididdada dhiigga, taasoo u horseedeysa in dhiiggu uu si xor ah uu jirka banii'aadanka ugu dhex socdo. 3. Waxay ka hortagtaa Kansarka Toonta waxaa ku jira walxo Sulphur ah oo lagu sameeyay daraasado, waxaana la ogaaday inay ka hortagaan unugyada kansarka iyo burooyinka kansarka ah, inkasta oo saameynta toonta ku leedahay ka hortagga Kansarka aan si buuxda loo xaqiijin, waxaana loo baahan yahay cilmi baarisyo ballaaran oo lagu sii faahfaahinayo arrintani. 4. Waxaa lagula dagaallamaa caabuqyada iyo feyraska Toonta waxaa in muddo ah loo adeegsan jiray in lagula dagaallamo caabuqyada ka dhasha bakteeriyada, feyraska iyo Fungi. sidoo kale waxaa lagu daweeya cudurrada ku dhaca maqaarka iyo qaniinyada cayayaanka gaar ahaan toonta qoyan iyo tan saliidda laga sameeya. 5. Waxay xoojisaa awoodda lafaha banii'aadanka Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in toonta ay ka hortaggo lafo burburka, waxayna sare u qaaddaa hormoonka oestrogen ee dumarka.\nSidoo kale cilmibaarista waxaa lagu ogaaday in dadka isticmaalay toonta ee uu ku dhacay xanuunada lafaha in xooggaa ay ku reysteen. Waxaa dhif ah in qofka isticmaalo toonta ay u horseedi xasaasiyad ama halis kale oo caafimaad. Dadka qaar ee adeegsada toonta waxaa laga yaabaa inay la kulmaan calool qabad, in uu ku kaco gaaska caloosha ama shuban-xaaladahaas qofka wuxuu isku arki karaa marka uu qaato toonta aad u fara badan. Fiiro gaar ah Dhammaan xogaha ku saabsan caafimaadka ee lagu soo bandhigay BBC-da waxaa loogu talogalay wargelin guud oo keliya, mana beddeli karaan talooyinka u uku siiyay dhakhtarkaaga ama ay bixiyaan khubarada kale ee ka shaqeeya howlaha caafimaadka. Haddii aad walaac ka qabtid caafimaadkaaga guud, waa in aad la xiriirtid dhakhtarka ka howl gala Meesha aad ku sugan tahay. https://www.bbc.com/somali/articles/c0d9284py21o +health Tijaabada tallaalkii Oxford ee la hakiyey oo dib loo bilaabayo "Tijaabada tallaalka cudurka Covid-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa dib loo bilaabi doonaa muddo yar uun ka dib markii la hakiyey sababtuna ahayd saamayn taban oo uu ku yeeshay qof bukaan ah oo lagu muday dalka Ingiriiska. Salaasadii ayaa shirkadda AstraZeneca sheegtay in daraasaadkii lagu waday tallaalkaa la hakinayo inta la baadhayo ee la ogaanayo waxa keenay saamayn taban oo ba'an oo tallaalka la xidhiidhiyey. Tallaalka corona ee Ruushka oo ""waxtar yeeshay"" Tallaalka Corona oo hakad la galiyay iyo dadkii lagu tijaabiyay oo ku xanuunsaday Laakiin Jaamacadd ayaa Sabtidii sheegtay in ay ku qanacsantahay in tallaalku aanu halis lahayn ee la sii wado tijaabada. Wasiirka caafimaadka Ingiriiska, Matt Hancock, ayaa soo dhaweeyey warkaa ah in dib loo bilaabo tijaabada. ""Hakintaasi waxay muujinaysaa in aanu had iyo goor ba badbaadada muhiimadda koobaad siino. Taageero buuxda ayaan u fidinaynaa saynisyahannada si ay sida ugu dhakhsaha badan u bilaabaan tijaabada oo loo helo tallaal bed qaba"" ayuu yidhi. Warbixin ay soo saartay Jaamacaddu ayay ku sheegtay in ay "" filaysay in dadka ka qayb gelaya tijaabadan weyn qaarkood bukoon karayeen"". Waxay se intaa ku dartay in daraasaadkii lagu waday tallaalka iyo tijaabadu dib u bilaabmi doonaan iyada oo la raacayo talo bixinta ay soo jeediyeen guddi madax banaan iyo sidoo kale wakaaladda Ingiriiska u qaabilsan la socodka dawooyinka iyo agabka caafimaadku. Tijaabo lagu sameeynayay talaalka feyriska Corona ayaa la hakiyay guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay. Waa markii labaad oo hakad la galinayo talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca. Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabadani talaal la dhigay isbataal islamarkana baaritaan madaxbanaan lagu sameyn doono. Waxaa uu afhayeenka intaa ku daray in seynisyahanadani ay ka go'an tahay inay mudnaanta siiyaan badqabka dadwaynaha. Dalkee loogu hor bilaabayaa tallaalka Corona haddii la helo, qiimuhu se waa imisa? In ka badan 10'000 oo mutadawiciin ah oo ku sugan dalka UK iyo dalal kale ayaa ka qeyb galay tijaabada talaalkani. Waxaa sidoo kale talaalkan tijaabadiisa ka qeyb galay muwaadiniinta dalalka Koonfur Afrika, Brazil iyo Mareykanka. Waxaa guud ahaan caalamka ay shirkadaha iyo dowladaha u kala cararayaan sidii loo soo saari lahaa talaal looga hortago feyriska fara'aha ba'an ku haya caalamka ee Corona. Waxaa caalamka guud ahaan imika tijaabo ku jira 30 tallaalka looga hortagayo feyriska Corona oo ay wadaan shirkado iyo Seynisyahano kala duwan. Balse tijaabada tallaalka ee ay waddo jaamacadda Oxford ayaa la rumaysan yahay in uu yahay midka ugu hormarsan. Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu doonayo in talaalka feyriska Corona uu diyaar noqdo ka hor doorashada 3 bisha November. Balse hadalkiisa ayaa waxaa ka dhashay walaac ku aadan in laga yaabo in mudnaanta la siiyay siyaasadda oo aan la eegin badqabka talaalka. Talaadadii koox shirkado ah oo ka kooban 9 islamarkana ku howlan sameynta tallaal Covid-19 ayaa dadwaynaha u xaqiijiyay iyaga oo ku dhawaaqay ""ballanqaad taariikhi ah "" oo ku saabsan in la dhowri doono anshaxa tayada iyo heerka marka la baadigoobayo talaalka. Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in ku dhawaad 80 nooc oo talaal ah la tijaabiyay guud ahaan caalamka, balse dhammaantood aan wai la dhameystirin." https://www.bbc.com/somali/war-54135531 +health Xiriir miyaa ka dhaxeeya cayilka xad dhaafka ah iyo kansarka minka? "Cayilka xad dhaafka ah ee haweenka ayaa kordhiya khatarta kansarka ku dhaca minka, sida lagu xusay baaritaan la sameeyay. Haddii haweeney dhererkeedu yahay (1.65m) uu miisaankeedu (12.7kg) ka badan yahay kan caadiga ah ee caafimaadka leh, waxaa laba jibbaar kordhaya khatarta ay ugu jirto kansarka minka, tusaale ahaan. Baaritaankan oo ay maalgelisay waaxda Cancer Research UK (CRUK) ayaa waxaa ka qeyb galay 120,000 oo haween ah oo ku nool UK, Mareykanka iyo shan dal oo kale. Hay'adda ayaa sheegtay in miisaan caafimaad leh uu dhimi karo 13 nooc oo kansar kala duwan ah. Waxyaabaha kale ee sababi kara kansarka minka ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin hidda-sidaha qofka iyo hoormooniska. Fakrad ayaa tilmaameysa in unugyada cayilan ay farriin u diri karaan unugyada kale si ay u kala qeybsamaan oo u sii bataan, taas oo sababi karta kansar. Kobcidda qaar ka mid ah kansarka naasaha ku dhaca ayaa lala xiriiriyaa hoormoonka haweenka ee oestrogen, kaas oo sidoo kale ay soo saaraan unugyada cayilan. Daraasadda CRUK, oo ay horkacayaan koox ka tirsan Jaamacadda Bristol laguna daabacay bogga BMC Medicine, ayaa ka mid ah daraasadaha ugu waaweyn ee laga sameeyay xiriirka ka dhaxeeya buurnida iyo kansarka minka. Waxaa daraasadda diiradda lagu saaray saameynta cayilka muddada dheer waxayna lagu ogaaday in hoormoonka haweenka, cirbadda sokorta dhiigga lagu cabbiro iyo hoormoonka ragga ee testosterone, lala xiriiriyo cayilka iyo kansarka minka. Baarayaasha ayaa rajeynaya in saynisyahannada ay mustaqbalka adeegsan doonaan dawooyin lagu xakameynayo heerarka hoormoonnada dadka khatarta ugu jira kansarka. Baaraha horkacaysay daraasadda oo lagu magacaabo Dr Emma Hazelwood ayaa tiri: ""Daraasaddan waa tallaabadii ugu horreysay oo xiiso leh oo loogu kuur galayo sida daraaseynta hidda-sidayaasha loogu adeegsan karo in lagu ogaado sida cayilka xad dhaafka ah uu u sababo kansarka iyo sida wax looga qaban karo."" Madaxa warbixinta caafimaadka ee CRUK Dr Julie Sharp ayaa tiri: ""Daraasadaha sida tan waxay muujinayaan in cayilka xad dhaafka ah uu yahay waxa labaad ee ugu weyn ee kansarka ka sababa UK waxayna naga caawin kartaa inaan billowno is weydiinta sababta. ""Tani waxay door muhiim ah ka cayaari kartaa ogaanshaha sida mustaqbalka looga hortagi karo loona daweyn karo kansarka"". Hal ka mid ah 36-dii haween ee ku nool UK ayaa waxaa ku dhaca kansarka minka halka afartii haweenna ay middood isu aragto caadada oo xilli hore ka go'da." https://www.bbc.com/somali/war-61172049 +health Talaal: Malaariyada talaalka loo helay dhibaato intee la eg ayay ku haysaa Soomaaliya? "Carruurta ku nool inta badan qaaradda Afrika ayaa laga tallaali doonaa Duumada ama Malaariyada ka dib markii guulo taariikhi ah laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurkan dilaaga ah. Malaariyada waxay ahayd mid ka mid ah aafooyinka ugu weyn ee ku habsaday caalamka. Duumada ayaa inta badan galaafata nolosha caruur badan. In malaariyada tallaal loo helo ka dib muddo qarni ah oo la baadi-goobayay, waa mid ka mid ah guulaha waawayn ee la gaaray. Tallaalkan oo lagu magacaabo RTS,S - ayaa waxtarkiisa la xaqiijiyay 6 sano ka hor. Hadda, ka dib markii lagu guulaystay barnaamijyada tallaal oo tijaabo ahaa oo laga fuliyay dalalka Ghana, Kenya iyo Malawi, waxay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) sheegtay in ay tahay in tallalkan lagu baahiyo wadamada Afrika ee ka hooseysa Saxaraha iyo gobollada kale ee uu cudurka malaariyada uu saameeyay. Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ah agaasimaha guud ee WHO, ayaa sheegay inay tahay tallaabadan ""mid taariikhi ah"". Daawooyinka lagula dagaalamo, marakaneecooyiinka iyo sunta lagu buufiyo kneecada ee disha ayaa dhammaantood gacan ka geystay yareynta Duumada. Balse dhibaatada ugu weyn ee cudurka ayaa laga dareemay qaaradda Afrika, halkaas oo in ka badan 260,000 oo carruur ah ay u dhinteen cudurka sannadka 2019. Dalka Soomaaliya wuxuu ka mdi yahay dalalka uu culeyska badan ku hayo cudurkan. Sida ay sheegeen hay'adaha caafimaadka ee caalamiga ah, waxaa cudurkan Soomaaliya ugu dhimatay 1941, intii u dhaxeysay 2000 iyo 2019. Sida lagu qoray bogga arrimaha bini-aadamnimada ka hadla ee Reliefweb, Sannadkii 2020, waxaa jiray illaa 341,000 in ka badan oo kiis oo looga shakiyay malaariya. Ka dib markii la baaray dadkaas, waxaa laga helay in ka bada 27,000. Dhammaan dadkaas ayaa laga daweeyay xanuunka. Balse wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in guulo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cuudrka Duumada. Warbixin horrantii sannadka ka soo baxday waaxda Xakameynta Malaariyada ee dowladda Soomalaiya ayaa farta ku fiiqay in dhimashada cudurka Duumada ay yaraatay illaa 31% sannadkii 2018, halka tiradaasi ay hoos u sii dhacday 2019 boqolkiiba 22%. Cudurka Duumada waxaa guud ahaan caalamka sannadkiiba ugu dhinta dad ay tiradooda gaarayso 409,000. Tiradaas cudurka u dhimata sannad kasta ee caalamka, illaa boqolkiiba 94 waa qaaradda Afrika. Iyada oo caalamka uu muddo kooban ku soo saaray tallaalka fayriska korona, haddana waxaa laga yaabaa in aad is waydiiso sababta ay muddada intaa dhan u qaadatay in tallaalka cudurka Duumada ama mallariyada la soo saaro. Duumada waxaa sababa cayayaanka loo yaqaano kaneecada taasi oo ka awood badan fayraska dhaliya Covid-19. In aad labadan xanuun Isbarbar dhig ku sameyso waxay la mid tahay isbarbar dhigga qof iyo khudaarta kaabashka loo yaqaano. Marka qofka jirkiisa ay gasho malaariyada waxay saameyn ku yeelataa nidaamka difaaca jirka." https://www.bbc.com/somali/war-58826589 +politics Maxaa dhici kara mar haddii Kenya ay isaga baxday dhageysiga dacwadda badda? "Dowladda Kenya ayaa si lama filaan isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, sida ay BBC-da u xaqiijiy Sida ay ku warratay warbaahinta maxalliga ee Kenya, maxakamadda cadaalada caalamiga ah ee ICJ ayaa waxay horey u qaaday dhowr kiis oo ah muran dhanka badda ah. Kenya waxay ku eedeysay maxkamadda inaysan dhexdhexaad ka ahayn dacwaddan oo khuseysa aag badeedka lagu mursan yahay oo dhan 62,000 ll mayl oo laba jibaaran oo badweynta Hindiya ah. waxaa la aaminsan yahay nay ceegaagaan gaas iyo saliidd. Maxkamadda ayaa labada dhinac ee muranka uu ka dhaxeeyo waxay mid kasta xaq u siisaa in ay soo bandhigaan cadeymaha ay hayaan. Garsoorayaasha ayaa darsaya cadeymaha uu dalka kasta soo bandhigay islamarkana go'aan ka gaaraya kiiska. Maxakamadda ICJ ayaa marka uu dal dacwad u soo gudbiyo waxaay casuuntaa dalka kale si ay uga jawaabaan dhankooda dacwadda laga soo gudbiyay. Xeerka maxkamdda ICJ qeybtiisa 53-aad ayaa qaba haddii ""Mid ka mid ah dhinacyada uusan hor imaanin maxkamadda, ama uu ku gul darreysta inuu is difaaco, dhinaca kale ee dacwadda waxaa u furan inay maxkamadda ka dalbadaan in la dhegysto oo dalabkooda loo meel mariyo."" Sidaasi darteed waxay u badan tahay in maxkamadda ay dhageysan doonto dacwada Soomaaliya. Kenya waxay dalbatay in la siyo muddo 30 daqiiq oo uu xeer ilaaliyaheeda garsoorayaasha ugu sharxao sababta aysan uga qeybgeleynin dacwadda. ma cadda in kenya fursadaasi la siin doono iyo in kale. Soomaaliya ilaa iyo hadda kama aysan hadlin hadalkan ka soo yeeray Kenya. Sanaddii 2013 ayaa waxay dowladda Philippines ay kiis muranka dhanka badda ah oo kala dhaxeeyay Shiinaha ay u gudbisay maxkamadda ICJ. Philippines Iyo Shiinaha ayaa ku muransanaa badda ku taalla koonfurta Shiinaha. Dowladda Shiinaha ayaa 19 February 2013, waxay shaacisay in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Philippine. Dhageysiga kiiska ayaa ahaa in la qaado 7 bishii December 2014, balse Shiinaha way diideen in ay ka qeyb galaan dhageysiga. 29 bishii October 2015 ayay maxkamadda ICJ sheegtay in ay awood sharci u leedahay inay dhageysato kiiska iyada oo ay ka maqan yihiin Shiinaha. Qareenadii ka socday dalka Philippines ayaa ka dib maxkamadda u gudbiyay cadeymihii ay hayeen ee ku saabsanaa kiiska badda. 12 bishii July 2016, ayaa waxaa go'aan soo saaray golaha garsoorayaasha maxkamadda ICJ oo iyagu baddii lagu muransanaa u xukumaya dalka Philippine. Dowladda Shiinaha ayaa markiiba go'aankan ay soo saartay maxkamadda ICJ ku gacan seyrtay . Xukuumadda Shiinaha ayaa ku dooday in go'aanka maxkamada uu yahay mid ay ka dambeeyaan ""xoogag kale"" . Waxay sidoo kale dowladda Shiinaha ay go'aanka ka soo baxay garsoorayasha maxkamadda ICJ ku tilmaamtay ""kuwa hal dhinac ah"". Maxay Kenya sida lama filaanka ah uga baxday dhageysiga dacwadda badda? Maxkamada cadaalada caalamiga ah ma laha booliis ama militari fuliya go'aanada ay gaarto. Sidoo kale maxkamadda ma laha awood ay cunaqabateyn ay ugu soo rogi karto dalalka diida go'aanadda ay gaarto. Maxkamada ayaa fulinta go'aanda waxay uga fadhidaa oo ay ku tashanaysaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. Golaha ammaanka ayaa ka kooban 15 xubnood oo 5 ka mid ah ay yihiin xubnaha joogatada ah ee leh awoodda diidmada qayaxan ee Veto. Maxakamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa waxaa la asaasay sanaddii 1945-tii. Maxkamada ayaa waxaa uu fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka (Netherlands), halkaasi oo ay kiisaska ku dhageysato. Garoorayaasha maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa ka kooban 15 garsoore oo 9-kii sanaba mar la doorto. Luuqadaha rasmiga ah ee ay maxkamdda ku hadasho ama ay kiisaska ku qaado ayaa ah luuqadda ingiriiska iyo Fraansiiska." https://www.bbc.com/somali/war-56391039 +politics Trump oo canshuur ahaan u bixiyay 750 oo doolar muddo 2 sano ah "Wargeyska New York Times ayaa sheegay in madaxwayne Donald Trump uu bixiyay oo kali ah $750 oo ah canshuurta dakhliga sanaddii 2016, oo ahaa markii uu xilka u tartamay iyo sanadkii ugu horeeyay ee aqalka cad uu yimid. Wargeyska oo sheegay in ay heleen macluumaadka iyo diiwaanka canshuurihii uu bixiyay Mr Trump iyo shirkadihiisa 20 sano ee ugu dambeeyay ayaa waxaa ku andacooday in canshuurta dakhliga uusan bixin 10 sano oo ka mid ah shan iyo tobonkaasi sano. Macluumadkan uu daabacay wargeyska New York Times ayaa shaaca ka qaadaya in ""muddo sanado ah uu madaxwayanha ka maaganayay bixinta canshuurta"",. Mr Trump ayaa warbixinta uu qoray wargeyska ku tilmaamay ""warar been abuur ah"". ""xaqiiqadii waan bixiyay canshuurta waadna arki doontaan marka aan canshuur celinta sameeyo,"" ayuu u sheegay warbaahinta. Madaxwayne Trump ayaa marar badan la kulmay caqabado dhanka sharciga ah ka dib markii uu diiday in uu hay'adaha ay quseyso la wadaago dikumiintiyada la xiriira inta ay dhan tahay hantidiisa iyo ganacsiyadiisa. Waa madaxwaynihii ugu horeeyay tan iyo sanadihii 1970-yadii kaasi oo aan shaaca ka qaadin canshuur celintiisa inkastoo aan sharci ahaan aysan waajib ku ahayn. Macluumaadkan uu daabacay wargeyska ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka hor xilli lagu wado in Mr Trump uu ka qeyb galo dood loo qabanayo isaga iyo musharaxa madaxwaynanimada xisbiag Dimuqraadiga Joe Biden . Waxaa sidoo kale toddobaadyo uun ay ka harsan tahay doorashada madaxwaynanimada ee lagu wado inay qabsoonto 3 bisha November. Wargeyska ayaa xusay in ay dib u eegis ku sameeyeen canshuur celinta al xiriirta madaxwayna Trump iyo shirkadihiisa laga soo bilaabo1990-yadii, iyo waliba canshuurtiisa shaqsi ahaaneed ee sanadihi 2016 iyo 2017." https://www.bbc.com/somali/war-54321521 +politics Maxay markan dhaheen dadka qofka ay doortaan uu noqdo madaxweynaha Mareykanka? "Dadka daggan ismaamulka Vigo ee ka tirsan gobolka Indiana, Mareykanka, waxay leeyihiin wax sidii mucjiso oo kale ah. Marka laga reebo labo madaxweyne oo la doortay 1908 iyo 1952, tan iyo sanadkii 1888-kii waxaa doorashada xilka madaxweynaha ku guuleysanayay qofka ay iyagu u codeeyaan. Taariikhdaas awgeed, fikirka ay dadka reer Vigo ka qabaan musharraxiinta u taagan doorashada Mareykanka wuxuu caalamka u iftiimin karaa natiijada kasoo bixi karta doorashada dhaceysa 3-da bisha November. Lamaane lagu kala magacaabo Susan iyo Terry Hayhurst, oo ah beeraley deegaankaas ku leh dhul beereed baaxaddiisu dhan tahay 1,700-acre, taasi kama hor istaagin inay safarro ku tagaan caalamka qeybihiisa kala duwan. Waxay tageen Yurub, gabadhooda oo 25 jir ahna waxay ku sugan tahay London oo ay wax ka baraneyso. Marka ay timaado dhinaca siyaasaddana, Donald Trump ayaa ah qofka kaliya ee ay doonayaan inay u codeeyaan. Terry wuxuu beertaa galley iyo digir uga baxda dhinaca koonfurta-bari ee deegaankaas, wuxuuna leeyahay in ka badan 20 neef oo lo' ah. Gobolka Indiana wuxuu hoggaaminayaa ganacsiga dhoofinta digirta, kaasoo qiyaastii kalabar ka mid ah loo dhoofiyo dalka Shiinaha. Dagaalka dhinaca dhaqaalaha ee uu maamulka Trump kula jiro Shiinaha ayaa sababay in Beijing ay ku jawaabto canshuur 33% ah oo ay sanadkii 2018-kii kusoo rogtay digirta uga imaata Mareykanka. Laakiin Mr Hayhurst, oo ka qalinjabiyay Jaamacadda Purdue, wuxuu aaminsan yahay in ganacsiga beeraha ee Mareykanka uu sii xoogeystay - murankii labada dal wuu khafiifay canshuurtiina meesha waa laga saaray. Wuxuu fikir ahaan qabaa in madaxweyne Trump uu qabtay shaqo aad u wanaagsan. ""Muddo dheer ayuu Mareykanka gacan saar la lahaa waddamo kasoo horjeeda waxa uu sameynayo. Laakiin waxay ila tahay in ilaa hadda sida muuqata aan ka maarmi karno xidhiidhka Shiinaha."" Ayuu yidhi. Mrs Hayhurst iuaduna waxay fikirka la qabtaa seygeeda. Deegaanka Vigo, oo ku yaalla qararka wabiga Wabash, wuxuu si siman ugu kala qeybsan yahay miyi iyo magaalo. Dadka asal raaca ah ee halkaas daggan waxaa la isugu dheelli tiraa waxbarashada ay ka helaan macadyada iyo jaamacadaha ku yaalla qeybo kala duwan oo gobolkaas ah. Xarumaha waxbarasho ee ay leeyihiin dadka reer Vigo waxaa ka mid ah jaamacadda Gobolka Indiana. Waxaa jira arrimo kale oo uu caan ku yahay deegaanka Vigo, marka laga hadlayo codeynta doorashada. Halkii uu Mr Trump si fudud ugu guuleystay doorashadii heerka xisbi ee halkaas ka dhacday sanadkii 2016-kii, ma jirin musharrax si cad ugu guuleystay tartankii deegaankaas ku dhex maray siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddiga. Codadkii la dhiibtay waxaa si siman loogu kala qeybiyay musharraxiinta kala ah Hillary Clinton iyo Bernie Sanders. Intaas waxaa sii dheer in gobolkan aan la kala garaneynin cidda siyaasad ahaan ugu awoodda badan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga. Xitaa marka ay siyaasiyiinta deegaanka isku dayaan inay xisbiyada kala baddashaan wax dan ah lagama yeesho. Sababtoo ah dadka halkaas daggan go'aankooda doorashada kuma xidhna xisbi balse wuxuu ku xidhan yahay hadba sida ay shakhsiga siyaasiga ah u arkaan.. Laakiin doorashadii dhacday 2016-kii ayaa laga dareemayay in dadka ay hadda sii baddalayaan fikirkaas. Meel 15 daqiiqo gaadhi uu uga socdo beerta Mr Hayhursts waxaa ku taalla magaalada Terre Haute, oo hoy u ah qiyaastii 60,000 oo ruux. Waxaa halkaas sidoo kale ku yaalla xabsi weyn oo uu leeyahay maamulka federaalka, kaasoo ay ku xidhan yihiin maxaabiis igu jira dad diyaarado afduubtay, burcadda MS-13 iyo caddaanka cunsuriyiinta ah ee dadka laaya, sida Dylann Roof, oo sanadkii 2015-kii sagaal qof ku dilay kaniisad ku taalla Waqooyiga California Pat Goodwin, oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga, oo doonaya inuu u tartamo xil sare oo maamulka magaaladaas ah ayaa sheegaya in hadda ay suuragal tahay inuu isbaddal ku yimaado fikirkii ay dadka deegaankan ka qabeen madaxweyne Trump. ""Ma jiro qof horay u saadaaliyay isbaddalka aan aragnay tobadii/siddeeddii bilood ee ugu dambeysay, sida uu madaxweynaha ula tacaalay cudurka safmarka ah ee corona awgeed,"" ayuu yidhi. ""Dad badan ayaa laga yaabaa inaysan rabin inay maqlaan taas; waxaa halkan jooga taageerayaal badan oo uu leeyahay madaxweyne Trump. Laakiin tirooyinka been masheegayaan. Shaqo aad u liidata ayuu qabtay."" Goodman wuxuu sheegay in hadda ay deegaankaas kusii xoogeysaneyso taageero loo hayo musharraxa xisbiga Dimuqraaddiga ee Joe Biden, taasoo aysan horay u heysanin Hillary Clinton markii ay xilka madaxweynaha u tartameysay sanadkii 2016-kii. Kaddib markii uu Barack Obama labadii jeerba ku guuleystay sanadahihii 2008 iyo 2012, afar sano ka hor Donald Trump ayaa Mrs Clinton uga adkaaday boqolkiiba 15 ama 6,002 oo cod. ""Aad ayey natiijooyinka isu soo dhawaan doonaan,"" ayuu yiri Mr Goodwin. ""Way adkaan doontaa sida loogu kala baxo halkan."" Dadka qaar ee halkaas ku sugan waxay sheegayaan in wali aysan go'aan ka gaadhin ciddii ay dooran lahaayeen. Waxaa kuwaas ka mid ah Kyla Brown, oo 23 jir ah, kana qalinjabisay maadada biology-ga heerkeeda koowaad ee jaamacadda. Xilli ay farriimo badan ka kala imaanayaan Trump iyo Biden wali ma aysan go'aansanin qofka ay xulan doonto. ""Waa go'aan aad u adag sababtoo ah labada qof ee aan kala dooraneyno midna kuma qanacsanin,"" ayey tidhi. ""Waa cajiib inaan taagannahay meel aan laga laaban karin, musharraxiintana aan la baddali karin."" Waxay ka walaacsan tahay da'da Mr Biden, halka Trump aysan dhaqankiisa jecleysanin. ""Waa nin aad u hadal adag oo bahdila dad badan,"" ayey tidhi. Laakiin dadka qaarkood, sida Senka Delich waxay la dhacsan yihiin nidaamka madaxweyne Trump. ""Trump ma aha siyaasi; ma aha qof lasoo hoggaaminayo. Waa dhab,"" ayey tidhi. ""Wuxuu dhahaa waxyaaba aad adiguba dhahdid ama aan aniga dhaho markaan cadhoodo."" Mrs Delich waxay sheegtay in Mareykanka ay timid 27 sano ka hor, xilligaasoo ay kasoo qaxday waddankii horay loo odhan jiray Yugoslavia, kaddib markii seygeeda lagu dilay dagaalkii Bosnia. Markii ugu horreysay ee ay timid, waxay iyada iyo gabdhaheeda dhar ka qaateen meel qashin qub ah. Taas waxaa ka muhiimsan inay tidhi: ""Trump wuxuu jecel yahay waddankiisa."" Jacaylka waddanka iyo dadaalka uu madaxweynaha u sameeyo sare u qaadidda dhaqaalaha ayaa ka mid ah waxyaabaha ay Mrs Delich ku taageerto maamulka hadda ka taliya Mareykanka. ""Halkan waxaan imid anigoo waxba heysanin; Luuqadda ingiriiska kuma hadli karin. Hadda waxaan leeyahay labo makhaayadood iyo meherad qaxwada lagu cabo. Waxaan shaqeeyaa 16/17 saacadood maalintii; Waan jeclahay sidaas,"" ayey tidhi. ""Haddii aad dooneysid shaqo, Mareykanka waad ku rumeyn kartaa riyadaada.""" https://www.bbc.com/somali/war-54506918 +politics Hadal-heyn ka dhalatay diyaarad gargaar sidda oo ay Kenya u dirtay Soomaaliya "Dalka Kenya oo ka mid ah waddamada geeska Afrika ee ay sida ba'an u saameysay abaarta ayaa diyaarad sidda gargaar ugu deeqay dalka deriska la ah ee Soomaaliya.\n\nDeeqdan ayaa waxaa buuq iyo sawaxan ay ka abuurtay baraha bulshada iyadoo in ka badan rubuc ka mid ah dadka u dhashay Kenya ee ku nool dhulka xoola dhaqatadu dagaan iyo dhulalka oomanaha ah ay soo food saartay xaalad cunto yari ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay. Shixnaddan ayaa isugu jirtay raashiin kala duwan iyo dawooyin leh noocyo kala duwan, sida lagu sheegay war ka soo baxay militariga Kenya. Dowlada Kenya ayaa sheegtay in gargaarkan uu jawaab u yahay qaraxyadii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 120 qof. Gargaarkan ayaa waxaa Soomaaliya gaysay mid ka mid ah diyaaradaha militariga Kenya.\n\n“Waxaan dareemeynaa xanuunka ay dareemayaan walaalaheena Soomaaliya, waxaana uga mahadcelineynaa Madaxweyne William Ruto howshan oo wax ka tari doonta dhibaatada haysata dalka deriska nala ah,” ayuu yiri Korneyl Victor Kang’ethe. Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua ayaa Khamiistii ka codsaday shacabka Kenya in ay raashin ugu deeqaan shacabkooda gaajaysan ee gudaha Kenya, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. ""Qof u dhashay Kenya waa in uusan gaajo u dhiman iyada oo muwaadiniinta kale ee Kenya ay haystaan ​​cunto dheeri ah,"" ayaa laga soo xigtay madaxwayna ku xigeenka. Diyaaradan sida gargaarka ee ay Dowladda Kenya u dirtay Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay fal-celin ay baraha bulshada, sida Twitter-ka ku soo qoreen qaar ka mid ah madaxda iyo shacabka Kenyanka. Babu Owino, oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Kenya, ahna mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu codka dheer ayaa dowladda Kenya ku dhaliilay tallaabadan. Dadka arrintan ka hadlay qaarkood ayaa sheegay in gargaarka loo diray Soomaaliya looga baahnaa gudaha Kenya oo ay dada badan abaarta saameysay. ""Ma idinka Dhab baa, carruur ayaa ku dhimanaysa Turkana idinkana ma cunto ayaad u qaadaysaan Soomaaliya?,"" ayuu yiri mid ka mid ah dadka fal-celinta ku sameeyay Twitter-ka. Qof kale ayaa isagana isweydiiyay su'aashan: ""Sidee ugu dirtaa Soomaaliya diyaarad ay ka buuxaan cuntooyin, iyada oo dadkeenna ay gaajo u dhimanayaan? ma aha wax aqliga galaya.""\n\nQof kale ayaa soo qoray: ""Yaa yiri waxaan haysannaa wax naga badan oo nagu filan oo aan bixinno?""\n\nXilli roobabkii afraad oo baaqday ayaa sababaya mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee Bariga Afrika soo mara muddo tobanaan sano ah.\n\nDalka Kenya dad ay tiradooda dhan tahay 4.2 milyan ayaa wajahaya cunno la'aan. Abaarta ayaa si gaar ah u saameysay 24 ka mid ah ismaamullada ka jira dalka Kenya.\n\nGobollada ay degaan dadka xoolo dhaqatada ah sida gobolka Soomaalida ee Waqooyi bari ayaa ka mid ah goobaha ay abaartan sida ba'an ay u saameysay." https://www.bbc.com/somali/articles/c1dey347y9ko +politics Trump oo aqbalay bilaabidda marxaladdii xilka kula wareegi lahaa Biden "Madaxweyne Trump ayaa oggolaaday in uu bilaabo marxaladdii xilwareejinta ee Joe Biden kula wareegi lahaa xafiiska. Madaxweynaha ayaa sheegay in hay'adda federaalka ee dusha kala socota wareejintu ay tahay in ay ""sameyso waxa loo baahan yahay in la sameeyo"", inkasta oo uu wacad ku maray in uu sii wadi doono loollankiisa dhanka sharciga ah ee doorashada. Maamulka Adeegyada Guud (GSA) ayaa sheegay inay qirayaan Mr Biden inuu yahay ""guulaystaha hadda"". Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii Michigan la xaqiijiyey ku guulaysigeeda dhabta ah , taas oo dharbaaxo weyn oo ku ahayd Mr Trump. Kooxda Biden ayaa si weyn u soo dhaweysay hadalka ka soo yeeray Trump uu ku oggolaaday marxaladda xil wareejinta iney billaabanto. Bayaan ka soo baxay Trump ayaa waxaa lagu sheegay tallaabbadan iney tahay mid loo baahnaa si loo billaabo wax ka qabashada dhibaatooyinka bulshada haysata oo ay ka mid tahay dhaqaalaha dalka in lagu soo celiyo waddadii saxda ahayd. Go'aanka Trump uu gaadhay ayaa la sheegay hay'adaha dowladda dhexe ee Mareykanka iney u sahleyso iney si rasmi ah u billaabaan marxaladda xil wareejinta labada madaxweyne, kan la doortay iyo kan laga guuleystay. Mr Trump wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray hay'adaha federaalku iney marxaladda xil wareejinta ay si rasmi ah u billaabaan. Wuxuu sida oo kale Kooxda Biden uu ku wargeliyey iney iyaguna dhankooda howsha kaga aaddan xil wareejinta ay guda galaan. Emily Murphy oo howlahan u xilsaaran waxay sheegtay madaxweynaha la doortay inay u heleyso 6.3 malyan oo doolar oo howsha lagu fuliyo. Ms Marphy waxaa dhalleeceyn xooggan uga timid dhinacyada siyaasadeed iyaga oo ku eedeeyey iney ku guul darreysatay iney billawdo marxaladda ay labada madaxweyne xilka kula kala wareegi lahaayeen. Ms Murphy waxay iyaduna sheegtay wakiillada dimuqraadiga ee Aqalka golaha wakiillada iney qorsheeyeen Isniinta iney xildhibaannada uga warbixiso dib u dhaca yimid. Madaxweyne Trump wuxuu cadaadis xooggan uu uga imaneyey xubnaha sarsare ee xisbiga dimuqraadiga oo ay ku jiraan shaqsiyaada ay Trump aad isugu dhow yihiin. Iyaga oo u soo jeedinayey talooyin ku saabsan inuu aqbalo in laga guuleystay isla-markaana uu iisu diyaariyo xil wareejin. Mathew Littman, oo ahaa ninka khudabadaha u qora Joe Biden oo BBC u warramay wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay madaxweyne Trump xil wareejin inuu iisu diyaariyo in lagu qasbay: ""Donald Trump dan kama laha cidda maamusha aqalka senetka. Donald dan kama laha xisbiga Jamhuuriga. Donald Trump wuxuu daneeyaa oo keli ah naftiisa, haddii uu aamino inuu sidaa uu wax ku sii wadi karana wuu sii wadayaa oo kama labalabeynayo. Balse malahayga ayaa ah maamulka adeegyada guud iney u sheegeen iney arrimuhu sidan ku sii socon karin ayna ku dhawaaqayaaan Joe Biden inuu guuleystay."" Rudy Giuliani, qareenka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa waxa uu ku andacooday in wax la isdabamariyay doorashadii madaxtinimada ee Mareykanka. Giuliani ayaa shir jaraa'id oo uu dhawaantan ku qabtay caasimadda Mareykanka ee Washington waxa uu ku celceliyay in kumannaan warqadaha codbixinta ah oo dheeraad ah waqti hore la geeyay goob codka lagu dhiibto oo ku taal magaalada Detroit. Kooxda xaqiiqooyinka baara ee BBCda ayaa waxa ay ogaadeen in hadalka Giuliani uu salka ku hayo sheegashada haweenay ka mid ah dadka ka shaqaynayay doorashada oo ku andacootay inay aragtay laba gaari oo ay aheyd inay cunnada geeyaan xarumaha, hasayeeshee ay sheegtay ay tiri: ""Weli ma aanan arkin cunto laga soo bixinayo labadaasi gaari, wax isku soo beegmay uun ma ahayn in la shaaciyay in Michigan laga helay in ka badan 100 kun oo warqadaha codbixinta ah laba saacadood uun kaddib markii uu gaarigii ugu dambeeya"". Eeddaas iyo eedo kalaba waxaa lagu laalay xukun soo baxay 13-kii Nofeembar halkaas oo xaakimku uu sheegay in ay yihiin kuwo aan la rumaysan karin. Sida ay ku celceliyeen kooxda sharciga ee madaxweyne Trump kuwaas oo uu horkacayo Giuliani, waxa uu madaxweynaha ku andacooday in dhibaato ay ka taagneyd nidaamka codbixinta ee gobollada qaar ee baratanka adag ka jiray arrintaas oo horseedday in malaayiin cod loo weeciyo ninka ay tartamayeen ee Joe Biden. Kooxda xaqiiqooyinta baara ee BBC-da ayaa sheegtay in aanan wax caddayn ah loo hayn arrintaasi, mana ay jirto wax arrintaas ku saabsan oo ay soo bandhigeen kooxda sharciga ee Trump. Sida ay sheegeen madaxweyne Trump iyo kooxdiisa qaanuunka waxaa gobollo muhiim ah lagu xisaabiyay codadka kumannaan qof oo dhintay. Kooxda xaqiiqooyinka baara ee BBCda ayaa eeddaas waxa ay ka baareen 10 kun oo qof oo codkooda ka dhiibtay gobolka Michigan kuwaas oo la sheegay inay dhinteen misana ay codeeyeen, waxaana la ogaaday in qeybtaas ay cayb laheyd hasayeeshee uusan jirin daliil cadaynaya eedahaasi." https://www.bbc.com/somali/war-55054118 +politics Baarlamaanka UK: Maxay ka yiraahdeen aqoonsiga Somaliland? "Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland. Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac. Xildhiabanada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka horkeenay mooshinka ka doodida aqoonsiga Soomalailand. Gavin ayaa waxaa uu baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, isaga arrima badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland. Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland. Xildhiabanka ayaa intaa ku daray in xaqiiqada aan la iska indha tirin islamarkana aysan dowladda Britain ku qaadan muddo dheer oo kale in ay sugto aqoonsiga Somaaliland.""Runtii haddeynu nahay siyaasiyiinta golahan waxaan u baahannahay inaan arrintan hoggaamin ka muujinnaa, waxaan u baahannahay saaxibbadeen soomlailand inaan u muujinno inaan diyaar u nahay inaan difaacno sida ay iyaguba noo difaaceen, marka xitaa haddii aanu ka soo bixi karin dhammaan ballan-qaadyada caynkaas ah waxaanu jecelnahay in aanu niraahno, xataa haddii aynaan odhan karin Somaliland Ayaan imnkaba aqoonsaneynaa,waxaan u baahannahay inaan fadhiisanno oo aan ka tashanno sidii tallaabbooyinka xiga aan u sii ambaqaadi lahayn"" ayuu yiri mr Gavin. Mr Gavin ayaa intaa ku daray in aysan habooneyn in dowoladda Uk ay sugto 30 sano oo kale islamarkana la joogi xilligii xaqiiqooyiinka la wajihi lahaa. ""Ma dooneyno inaan sugno 30 sano oo kale xaqiiqooyinka jira markaan eegno si loo helo Jiritaanka Somaliland madax-banaan, sababtoo ah ma aha oo keli ah inaan ka sugno qofka xafiiska arrimaha dibadda jooga, waa inaan xaqiiqooyinkaasi ka jawaabnaa, waxaan u baahannahay inaan hoggaaminno siyaasadaheenna arrimaha dibadda, waxaan u baahannahay saaxibbadeenna Somaliland inaan u muujinno inaan iyaga u guntannahay garabna aan u nahay"", ayuu intaa ku daray. Xildhibaan Kerry McCarthy oo ka mid ahayd xildhiabanadii dooddaasi ka qeybgalay ayaa dhankeeda sheegtay in soomaaliland ay hormar badan sameysay islamarkana ay muujiyeen karti ay dal madaxbanaan ku dhisi karaan lana joogo xilligii dal madaxbanan loo aqoonsan lahaa. ""Waxaan arkayna sanadkii aanu soo dhaafnay Somaliland oo u dabaal dagaysa 30 sano guuradii ka soo wareegtay marki ay gooni isu taaga ku dhawaaqeen, waxay dhiseen dowladooda madaxa banaan , lacag u goni ah iyo qabashada doorasho dimuqraadiyad ku dhisan , waxay muujiyeen awoodda ay u leeyihiin in ay dal dhisaan, soo lama joogi xilligii dowladda UK ay aqoonsan lahayd xaqa ay u leyihiin in ay aayahooda ka tashadaan islamarkana la aqoonsan lahaa baahida ay u qabaan in ay noqdaan dal madax-banaan"" ayay tiri Mrs Kerry. Wasiiro dowlaha UK u qaabilsan Yurub oo dhanka dowladda u hadlayay islamarkana ku sugnaa aqalka baarlamaanka ayaa dhankiisa su'aalo laga waydiiyay mowqifka dowladda ee ku wahajhan soomaaliland. Chris Heaton-Harris ayaa sheegay in mowqifka UK uu yahay in ay dhiirigalinayaan in qaddiyadda Soomaaliland ay ka wadahadlaan madaxda Muqdisho iyo Hargeysa.""Mowqifka dowladda UK ay arrintan ka qabto wuxuu aha mid joogta ah waxna iskama badalin,waxaan muddo dheer dhiirragelineynay wadahadallad ay arrintan ka yeeshaan mas'uuliyiinta labada dhinac ee Muqdisho iyo Hargeysa xiriirka mustqbalka labada dhinac ka dhaxeyn karo, waana sidii wadeynaa inaan sidaa sameyn"" ayu yiri Mr Harris. Dhanka kale Vicky Ford oo ah Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dwoladda Ingiriiska ayaa iyaduna ka hadashay doodda Aqoonsiga Somaliland waxaa ayna sheegtay in mowqifka UK ee ku wajahan uu yahay mid cad islamarkana ay dowladda federaalka iyo Somaaliland ay u taallo in mustaqbalkooda ay ka arrinsadaan . ""Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go'aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,"" ayay ku tiri qoraalkeeda. Madaxwaynaha jumhuuriyadda iskeeda ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Soomaaliland Muushe Biixi Cabdi ayaa dhankiisa uga mahadceliyay xildhibaan Gavin Williamson dooda uu geeyay aqalka baarlamaanka. Qoraal uu Muuse Biixi soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi: ""Waad ku mahadsan tahay Gavin Williamsonsida aad u hoggaamineyso doodda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa rajeynayaa inay ku dhageysan doonaan dowladdaada iyo xildhibaannada kale ee Baarlamaanka. Somaliland ayaa 30 sano ka hor ku dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale, balse tan iyo xilligaasi ma aqysan helin aqoonsi caalami ah." https://www.bbc.com/somali/war-60048534 +politics Boolis raadinaya nin masas badan barkin dhex geliyay "Waxaa wali socda howlgal lagu raadinayo qof bishii February meel uga tagay 29 mas, laakiin waa arrin ay ilaa hadda la yaaban yihiin dadka oo dhan. Masaska oo harqadda barkinta lasoo galiyay ayaa la dareemay iyagoo dhaqdhaqaaq sameynaya. Maqribnimadii maalintii ka horreysay munaasabadda Valentine's Day (maalinta jacaylka), shaqaalaha dabdamiska ee magaalada Sunderland, oo ku taalla Waqooyiga-Bari ee England, ayaa loo yeeray si ay dhacdadaas qeyrul-caadiga ah ula tacaalaan. Goobtu waxay ahayd meel loogu talagalay in qashinka lagu rido oo ku taalla xarunta dab damiska gadaasheeda. Masaska ayaa ah nooc qiimo badan ku fadhiya. Mid ka mid ah saraakiishii dab damiska ayaa gurigiisa geeyay masaska oo maalintii ugu horreysay la helay 13 ka mid ah, si ay qandac u helaan. Maalintii xigtay ee 14-kii February, waxaa la arkay mid ka mid ah masaskii oo aan nooleyn, laakiin tii kale xaaladdooda way fiicneyd. Halkaas markey xaaladdu mareyso ayaa loo yeeray Trevor Walker. In kastoo uu ka shaqeeyo magaalada ku dhow Sunderland ee Newcastle, haddana wuxuu ka mid yahay dadka khubarada ah ee ku xeel dheer dabeecadaha masaska. ""Waxaa la igu wareejiyay 12 sanduuq oo midkiiba uu hal mas ku jiro, waxaana galiyay qeybta dambe ee gaariga, si ay diirrimaad u helaan,"" ayuu yiri. ""Xaaskeyga uma aanan sheegin ilaa aah gaarnay meel kalabar u jirta gurigeenna. Uma maleynayo inay ku faraxsanaan lahayd haddii ay ogaan lahayd."" Kaddib markii uu xarunta masaska lagu xannaaneeyo geeyay, Walker wuxuu ku mashquulay arrimaha qoyskiisa. Hase ahaatee maalintii ku xigtay, isagoo telefoonkiisa eegaya ayuu arkay war kale oo ku saabsan qeylo qaan la xiriirta masas. Harqado kale oo ay masas ka buuxaan ayaa looga tagay isla meeshii masaskii hore la dhigay. Markan waxay ahaayeen 16 mas oo ku kala jiray labo harqadood. ""Qof walba oo caadi ah wuu ka argagaxay aragtidooda,"" ayuu yiri Alec Wood oo ka tirsan shirkad xannaaneysa xayawaanka xamaaratada ah. Wuxuu dhaleeceyn u jeediyay dadka masaska xannaaneysta ee iska soo qubay xayawaankaas, dadka kalena ku cabsi qaliyay. ""Waa ficil wuxuushnimo ah, mana jiro qof naga mid ah oo raalli ka ah in xayawaannada sidaas loola dhaqmo,"" ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Labada jeer ee masaska la helay ayaa soo jiidatay indhaha shacabka iyo warbaahinta, waxaana aad loola yaabay sababta arrintaas ka dambeysa. Waxaa kale oo lala sii fajacay waxay ahayd in masaska lagu soo aaddiyay hal maalin oo ka horreysay maalinta jacaylka iyo maalintii ka dambeysay. Inkastoo kiyaastii 400,000 oo mas guryaha lagu xannaaneysto guud ahaan qeybaha kala duwan ee UK, kharash yar kuma baxo in qofku uu jabiso ama mas keensado guriga. Hay'adda qaabilsan xannaanada xayawaanka xamaaratada ah ee magaceeda loo soo gaabiyo RSPCA ayaa shacabka kula talisay in masaska halkiiba meel gaar ah lagu hayo, qalabka loogu talagalay ee la dhex galiyana ay ahaadaan kuwo ku filan oo aan ciriiri ku ahayn. ""Lacag badan ayey u baahan tahay in masaska mid walba hal meel oo gaar ah la dajiyo, taasina kuma suurtagali karto guryaha aan barxadda kahayn,"" ayuu yiri Walker. Waxay khubarada masaska xannaaneeya aaminsan yihiin in dhacdadan aysan ku saabsaneyn qof masas uu lahaa nacay oo iska soo tuuray, balse ay ujeeddo kale meesha ku jirto, taasoo aan la garaneynin. ""Haddii uu isbaddalay go'aankaagii ahaa inaan masas guriga ku dhaqaaleysato, waxaa laga yaabaa inaadan waqti u helin sidii aad isaga fogeyn lahayd masaska sidaas u faraha badan"", ayuu yiri Alec Wood. Chris Newman, oo ka tirsan laanta qaran ee xayawaanka xamaaratada ah ayaa isagana qaba fikirka sheegaya in masaska la dayacay ay ka dambeyso ujeeddo layaab leh. Sida uu sheegay Walker, ilaa hadda wax garab ah lama weydiisanin booliska." https://www.bbc.com/somali/war-52479752 +politics Shuruuc adag oo lagu soo rogay dadka tahriibka ku galaya Mareykanka "Maamulka Madaxweyne Biden ayaa soo saaray hindise sharciyeed adkeynaya in muhaajiriintu ay sheegtaan inay magangalyo doon yihiin wixii ka dambeeya marka bisha May ee sanadkan la qaado xayiraadaha Covid ee xadka. Qorshaha ayaa ah in muhaajiriinta qaangaarka ah ay adeegsadaan app si ay ballan uga qabsadaan saraakiisha Mareykanka, amaba ay marka hore dal kale soo maraan kana codsadaan magangalyo kahor inta aysan soo galin Mareykanka. Ciddii u hoggaansami weysa ayaanan loo oggolaan doonin magangalyo haddii ay soo gaaraan xadka. Soo jeedintan ayaa la mid ah kuwii uu soo jeediyay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, kuwaasoo ay maxkamad xukuntay inaysan dastuurka waafaqsaneyn. Hindisahan ayaa keliya quseyn doona dadka qaangaarka ah iyo qoysaska, balse ma qaban doono carruurta aan cidna la socon. Maxaa laga doonayaa muhaajiriinta galaya Mareykanka? Qorshahan, ayaa muhaajiriinta waxaa laga doonayaa inay adeegsadaan app telefoonka oo ay kula hadlayaan sarkaal ka tirsan waaxda muhaajiriinta ee Mareykanka, marka ay soo gaaraan xadka. Kuwa aan sidaa sameyn ayaa loo aqoonsan doonaa inaysan u qalmin in magangalyo laga siiyo dalalka kale ee ay soo mareen. Hindisahan – oo ay si wada jir ah u soo saareen Waaxda Ammaanka Arrimaha Gudaha Mareykanka iyo Waaxda Caddaaladda – ayaa oggolaan doona in si deg deg ah loo musaafuriyo muhaajiriinta aan la diwaan gelin. Haddii la ansixiyo, waxaa la dhaqan gelin doonaa 11 May, markaas oo uu xilligiisa dhacayo Title 42 – oo ah qodobka caafimaadka degdegga ah ee xilligii Trump, ee u oggolaanayay muhaajiriinta in dib loogu celiyo Mexico. Siyaasaddan Biden ayaa sii jireysa muddo labo sano ah, iyadoo ay suurtogal tahay in waqti dheeri ah lagu daro. Maxaa laga yiri? Kooxaha taageersan soo galootiga ayaa durba ka hor yimid hindisahan. Midowga Xuquuqda Rayidka ee Mareykanka (ACLU) ayaa sheegtay inay maxkamad la tiigsan doonaan sharcigan kana hor istaagi doonaan inuu abid dhaqangalo. Ururka ayaa qorshahan la barbar dhigay tallaabooyinkii uu hore u qaaday madaxweynihii hore ee Donald Trump, kuwaasoo ay maxkamad xukuntay inaysan dastuurka waafaqsaneyn. Hay’adda Oxfam America ayaa tiri: ""Mamnuuciddan ballaaran waxay albaabbada ka xiri doontaa muhaajiriin aan xisaab lahayn oo gudaha Mareykanka ka raadinayay ammaan iyo badbaado."" Balse sarkaal aan la magac-dhabin oo maamulka Biden ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay: ""Maamulkan ma oggolaan doono fowdo iyo kala dambeyn la’aan baahsan oo xadka ka dhacda sababo la xiriira in Kongareesku uu ku guul darreystay inuu wax ka qabto."" Dadka ayaa heysta muddo 30 maalmood ah si ay fekerkooda uga dhiibtaan arrintan. Ilaa 200,000 oo muhaajiriin aan diwaan gashaneyn ah ayaa bil walba isku daya inay galaan Mareykanka." https://www.bbc.com/somali/articles/crgz94879x8o +politics Berbera: Maxay tahay abaalmarinta qaaliga ah ee ay ugu guulaysatay? "Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF, ayaa ku dhawaaqday in magaalada Berbera ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, ay ku guulaysatay abaalmarinta maamulka magaalooyinka carruurta u fiican. UNICEF ayaa sheegtay in maamulka magaalada Berbera uu ku guulaystay inuu adeegyada asaasiga ah u dhaadhiciyo gudaha. Hay'adda waxay sheegtay in tan iyo 2014, ay magaalada dhaqangelinaysay hannaanka adeegyada dadka lagu gaarsiiyo waxyaabaha aasaasiga ah, iyadoo maamulka magaalada uu wax ka qabtay adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbarashada iyagoo la shaqeynaya dowladda Somaliland iyo UNICEF-ba. Sida ay sheegtay UNICEF, Intaas waxaa sii dheer in dowladda hoose ee Berbera ay sare u qaadday miisaaniyadda iyagoo kharashka magaalada uga soo xarooda u adeegsaday bixinta adeegyada asaasiga ah, oo ay miisaaniyadda waxbarashada iyo caafimaadka ka soo qaadeen illaa $40,000 oo doolar oo la isticmaali jiray 2014 halka ay 2021 gaarsiiyeen $1,339,872 oo dollar. Maayirka magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Cidin, oo ka hadlayay abaalmarinta ay magaaladiisa ku guulaysatay ayaa sheegay: ""Guulaha ugu waa wayn waxaa ka mid ah in dhaqaalaha ka soo xarooda degmada, iyadoon meel kale laga doonayn, in isla degmada lagaga shaqeeyo."" ""Guulaha la taaban karo waxaa ka mid ah in caafimaadka iyo waxbarashada ay heleen adeegyo iyo dhaqaale aanay markii hore heli jarin oo aanay degmada ka heli jirin,"" ayuu yiri maayir Cidin. Hay'adda UNICEF waxa ay sheegtay in xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya waaxda waxbarashada iyo maalgashi buuran oo dhinacaas la galiyay uu horseeday in iskuullada Berbera, intii u dhaxaysay 2014 illaa 2020, ay 38% sare u kaceen ardayda iska diiwaangelisay. Dowladda hoose ee magaalada Berbera waxa ay taageertaa 10,000 oo arday ah oo 46% ay gabdho yihiin kuwaas oo wax ka barta 47 iskuul oo magaaladaas ku yaal. Barkhad Cabdikariim oo maamulo mid ka mid ah iskuullada magaaladaasi, oo la hadlay UNICEF, ayaa dowladda hoose ee magaaladaas ku amaanay sida ay u gacanqabato iskuullada: ""Isbedelka uu ku tallaabsaday iskuulka inta ay dowladda hoose gacanta ina siinaysay waxaa ka mid ah dhismaha fasallo cusub, qalabaynta fasallada, gunnada la siiyo macallimiinta iyo waardiyayaasha iskuulka ka howlgala."" Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhallaanka ee UNICEF ayaa sheegtay in maamulka magaalada Berbera uu soo bandhigay in dowladaha hoose ay dowr muhiim ah ka ciyaari karaan horumarinta adeegyada asaasiga ah. Waxyaabaha ay magaaladaasi ku hormartayna waxaa ka mid ah in dowladda hoose ay kordhisay dhaqaalaha ay ku bixiso adeegyada asaasiga ah ee waxbarashada iyo caafimaadka, dhaqaalahaas oo waayadii hore aanan la heli jirin, iyadoo sidaas lagu helay adeegyo tayo leh oo bulshada waxtar u leh. Maayirka Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa tilmamay in sida loogu baahan yahay in dowladaha hoose ay ka soo dhalaalaan howsha loo xilsaaray: ""In la helo dowlad hoose oo awood leh in ay dhisi karto, qalabayn karto, la socon karto goobaha xannaanada."" Dhanka kale maamulka magaalada Berbera waxa uu xoogga saaray goobaha caafimaadka oo ay ka caawiyaan dhaqaalaha, qalabka, dawada iyo bixinta gunnooyinka. Maayir Cidin ayaa sheegay in markii tallaaba ay qaadaanba ay midkale soo baxayso, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in hiigsigooda uu yahay ""in aannu noqono kuwo ku filan baahida dadkooda, maadaama ay magaaladu fidaysana waxaannu qorshaynaynaa in aan sii calaamadayno goobaha ay carruurta ku ciyaari doonaan.""" https://www.bbc.com/somali/war-59335462 +politics Joe Biden: Qoys si kadis ah ku ogaaday in ay qaraabo yihiin madaxweynaha Maraykanka "Todobaadkii la soo dhaafay, BBC-da ayaa baaritaan ku samaysay xog dhawaan la ogaaday oo tilmaamaysa in xiriir dhanka abtirka ah uu Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, la leeyahay England. Tan iyo markaa, qoys degan England ayaa sheegay in ay qaraabo yihiin madaxweynaha. Muddo 20 sano ah, Paul Harris, ayaa ku mashquulay inuu u kuurgalo taariikhda. Waxaa u suuragashay in uu isku duwo xog ku saabsan abtirkiisa. Waxa uu wax badan ka ogaaday ayeydii, Kathleen Mary Brooks, iyo hooyadeed Ann Maria Davies. Kadib waxa u soo baxday in magaca Biden uu meel ka soo galo qoyskiisa. Mudnaan ma uusan siin arrintaas ilaa maalin kamid ah sanadkii hore ay gabadhiisa Rose Patton ay si aan ku talagal ahayn u tiri hadal micno badan u sameeyay. ""Sow ma aha wax layaab leh haddii aan qaraabo noqono Joe Biden?"" ayay tiri Rose oo ka hadlaysa madaxweynaha cusub ee markaa loo doortay Maraykanka. Harris oo la yaabay hadalkaas ayaa sheegay in uu eegi doono arrinkaas. Baaritaanka uu sameeyay ayaa waxa uu ku ogaaday in xiriir xooggan uu ka dhexeeyo madaxweynaha iyo reer ay qaraabo yihiin oo ku nool Westbourne, oo ah tuulo ka tirsan Galbeedka Sussex ee England. Waxa kadib waxaa u soo baxday arrin cajiib ah: in Harris ay ilma abti shanaad yihiin Madaxweyne Biden. Harris oo ah 60 jir ku shaqeeya software-ka ayaa ku doodaya in madaxweynaha ay qaraabo ka yihiin dhanka ayeydii saddexaad oo lagu magacaabo Emily Biden. Waxa ay ku nooleyd Westbourne, oo ay qoyskeeda ku noolaayeen jiilal badan. Xubnaha qoyskeeda waxaa kamid ahaa adeerkeed William Biden, oo la rumaysan yahay in horraantii 1800 uu u guuray Maraykanka. Harris ayaa BBC-da la wadaagay dukumiintiyo muujinaya dhalashooyinka qoyskiisa, guurka iyo xogta tirakoobka si uu u muujiyo xiriirka qoys ee kala dhexeeya Madaxweynaha Maraykanka. Harris iyo gabadhiisa Rose ayaa dhowr jeer booqday Westbourne si ay xog badan uga helaan xabaalasha qoyska Biden, balse ma aysan helin halka ay ku aasan yihiin. Carruurta Rose ayaa aad ugu farxay arrinkan cusub, waxaana ay jeclaan lahaayeen in xiriirka ehelnimo uu aqoonsado Madaxweyne Biden. ""Waxa ay carruurta sugayaan in lagu martiqaado Aqalka Cad,"" ayuu yiri Harris. Ka hor inta uusan madaxweynaha noqon, Biden ayaa dhowr jeer booqday dad ehelkiisa ah oo ku nool Jamhuuriyadda Ireland oo ay ka soo jeedaan awoowayaashiisa ugu caansan. Ma cadda inta ay gaarsiisan tahay aqoonta uu Madaxweyne Biden u leeyahay xiriirka ehelnimo ee uu shaacisay Harris, inkastoo BBC-da ay arrintaa u badan dhigtay Aqalka Cad, balse aanu weli ka jawaabin. Rose ayaa aabaheed Harris ku boorisay in uu warqad u qoro Madaxweyne Biden. ""Wax wanaagsan ayay noqon lahayd haddii carruurteydu helaan wax ku saabsan xiriirka, ayna la sii wadaagi karaan ubadkooda,"" ayay tiri Rose Patton." https://www.bbc.com/somali/war-57577610 +politics Xildhibaannada Jamhuuriga oo ku biiray mooshinka xil ka qaadista Trump "Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee dalka Mareykanka ayaa laga filayaa in ay cod u qaadaan mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne Donald Trump, sababo la xiriira rabshadihii ka dhacay Aqalka Congress-ka. Siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraaddiga ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inuu taageerayaashiisa ku dhiirrigaliyay inay weerar ku qaadaan dhismaha Capitol ee xarunta u ah baarlamaanka iyo laamaha dowladda. Shan ruux ayaa ku dhimatay qalalaase halkaas ka dhacay. Xubno ka tirsan xisbiga uu Trump kasoo jeedo ee Jamhuuriga ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in ay ku biiri doonaan ololaha xisbiga Dimuqraaddiga ee xilka looga qaadayo, iyadoo si rasmi ah madaxweynaha loogu soo oogayo dacwad ku saabsan in uu abuuray kacdoon ka dhan ah maamulka dowladda.. Madaxweyne Trump ayaa dhankiisa beeniyay in uu wax lug ah ku leeyahay qalalaasahaas. Rabshadaha ayaa Arbacadii lasoo dhaafay dhacay kaddib markii Mr Trump uu taageerayaashiisa goob fagaare ah oo ay isugu soo baxeen magaalada Washington ugu sheegay in ""ay u dagaallamaan si daran"" kana soo horjeestaan natiijadii kasoo baxday doorashadii dhacday bishii November. Maadaama ay xisbiga Dimuqraaddiga heystaan Aqlabiyadda Golaha, waxay u badan tahay in codeynta ay guuleysato. Kiiska ayaa markaas u gudbi doona Aqalka sare ee Senate-ka, halkaasoo lagu qaadi doono dacwad lagu go'aaminayo in madaxweynaha dambigiisa lagu helo. Aqlabiyad saddex meelood labo meel ah ayaa loo baahnaan doonaa si Trump xukun loogu rido, taasoo ka dhigan in 17 xildhibaan oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga laga doonayo in ay kasoo horjeestaan. Xildhibaanno badan oo ka tirsan Jamhuuriga, oo gaaraya ilaa 20 mudane ayaa hadda diyaar u ah in ay madaxweynaha garabkiisa ka baxaan, sida uu shaaciyay wargeyska New York Times. Lama oga xilliga dacwadda la qaadi doono, laakiin uma badna in la dhammeystiri karo ka hor inta uusan Trump xafiiska banneynin 20-ka bisha January, markaas oo Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynaha Mareykanka. Aqalka Senate-ka ayaa sidoo kale codeynta dacwadda xil ka qaadista u adeegsan kara in ay Mr Trump ka mamnuucaan inuu dib dambe xil dowladeed u tartamo. Horay wuxuu madaxweynuhu u bidhaamiyay inuu isu soo sharrixi doono doorashada madaxweynenimada ee sanadka 2024-ka. Codeynta maanta la qaadayo waxay ka dhigan tahay in Mr Trump uu noqon doono madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykanka oo abid xil ka qaadis lagu sameeyo labo jeer. Bishii December ee sanadkii 2019-kii ayuu noqday madaxweynihii saddexaad ee Mareykanka oo lagu fuliyay Mooshin xil ka qaadis ah. Xilligaas waxaa lagu heystay dacwad la xiriirta in uu jabiyay sharciga Mareykanka oo uu dalka Ukraine ka dalbaday in ay baaritaan ku billaabaan Mr Biden si uu u seego doorashada. Laakiin Senate-ka ayaa markaas ka bari yeelay eedeymaha iyo dacwadda lagu soo oogayba. Liz Cheney, oo ah siyaasiyadda saddexaad ee ugu sarreysa mudaneyaasha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada, ayaa wacad ku martay in ay taageero buuxda siin doonto mooshinka xilka looga qaadayo madaxweynaha, iyadoo ku doodday in Mr Trump uu ""abaabulay dadkii weeraray dhismaha Capitol, ayna ku socdeen amarkiisa"". ""Waligeed ma dhicin khiyaano taas ka weyn oo uu madaxweyne Mareykanka ah ku sameeyay xafiiskiisa iyo dhaartii uu u maray ilaalinta Dastuurka,"" ayey tiri haweeneysan oo ah gabadh uu dhalay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Dick Cheney. Saddex kale oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Jamhuuriga ee Golaha Wakiillada, oo kala ah John Katko, Adam Kinzinger iyo Fred Upton, ayaa iaguna sheegay in ay u codeyn doonaan mooshinka xilka looga qaadayo Trump. Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka, Kevin McCarthy, oo ay xulafo dhow yihiin Trump, horayna uga soo horjeestay mooshinka xil ka qaadista, ayaa go'aansaday in uusan xildhibaannada xisbigiisa ka codsanin inay kasoo hor jeestaan mooshinka, sida ay tabiyeen warbaahinta Mareykanka. Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in khudbaddii uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay, ka hor rabshadihii Capitol ee dhimashada sababay, ay ahayd mid ""gabi ahaanba sax ahayd"". Mr Trump ayaa xilligaas taageerayaashiisa ka dalbaday in ay mudaharaad ku aadaan xarunta golaha Wakiillada ee Congress-ka. Hase yeeshee wuxuu difaacay hadalladiisii, isagoo dhanka kalena ""wax fool xun"" ku tilmaamay dadaallada ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee Congress-ka ugu jiraan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha maadaama uu qalalaase kiciyay. Wuxuu Trump ka digay in arrintaasi ay sababi karto cadho aad u xoog badan." https://www.bbc.com/somali/war-55649176 +politics Kumannaan muhaajiriin ah oo ka qaxaya dal Afrikaan ah kadib xaalad soo wajahday Ku dhowaad 300 oo ah muhaajiriin ka soo jeeda Galbeedka Afrika ayaa lagu wadaa in maanta ay ka baxaan dalka Tunisia, kadib markii uu Madaxweynaha waddankaas jeediyay khudbad u muuqatay mid horseedi karta naceyb ka dhan ah soogalootida Afrikaanka ah. Qeys Saciid ayaa khudbadda uu jeediyay 21-kii February ku sheegay inuu jiro qorshe ah in muhaajiriinta Afrikaanka ah ay tiro ahaan la wareegaan Tunisia ayna arrintaas ka dambeeyaan “khaa’iniin u shaqeeya dalal shisheeye”. Balse ma aanu soo bandhigin caddeyn ku aaddan sheegashadaas. Waxa uu sidoo kale sheegay in muhaajiriinta ay sabab u yihiin falal dambiyeedka kordhaya ee waddankaas ku yaalla waqooyiga Afrika. Hadalkaas ayaa horseeday in muhaajiriin badan laga eryo shaqooyinkii ay ka hayeen dalkaas. Midowga Afrika ayaa khudbadda Madaxweyne Qeys ku tilmaamay “mid laga naxo”, halka waddamada ay muhaajiriinta badan kaga sugan yihiin Tunisia ay billaabeen inay dadkooda ka soo daabushaan waddankaas. Dalka Guinea ayaa 50 muwaadiniintiisa ah Arbacadii ka soo qaaday Tunisia, halka Ivory Coast iyo Mali ay sabtida maanta ah diyaarado khaas ah u direen si ay u soo qaadaan 295 muwaadiniintooda ah, sida ay diblomaasiyiin u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP. “Tiro dhan 145 qof oo muhaajiriin ah ayaa saaka ka duulaya Tunisia, kadib markii ay xalay ku hoydeen huteello,” ayuu Jean Badel Gnabli oo madax u ah soogalootida Ivory Coast u sheegay AFP. Waxa uu intaa ku daray in tan iyo markii uu khudbadda jeediyay Madaxweynaha ay dadka muhaajiriinta ah dareemeen walaac iyo cabsi. Safiirka Ivory Coast u fadhiya Tunis, Ibrahim Sy Savane, ayaa sheegay in 1100 muwaadin oo dalkiisa u dhashay ay codsadeen in laga saaro Tunisia. Afrikaanka doonaya in ay ka baxaan Tunisia ayaa waxaa kamid ah arday wax ka dhigata jaamacadaha waddankaas, qaarkood ay lacagtooda ku dhigtaan halka kuwo kalena ay haystaan deeq waxbarasho, isla markaana qaab sharci ah ku joogay waddankaas. Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warrantay in saddex arday oo u dhalatay Ivory Coast dhawaan la waxyeelleeyay xilli ay ka soo baxeen hoygooda. Tan iyo khudbaddii Madaxweyne Qeys, laamaha ammaanka Tunisia ayaa qab-qabtay muhaajiriin aan sharci haysan, waxaana qaarkood ay weli ku jiraan xabsiyada waddankaas. Kuwa dalalkooda ay safaaradaha ku leeyihiin Tunis ayaa waxa u suuragashay in ay helaan cid caawisa. Tirakoobka rasmiga ah ayaa muujinaya in 21 kun oo muhaajiriin sharci darro ah oo dalalka kale ee Afrika ka tegay ay ku nool yihiin Tunisia oo shacabkeedu lagu qiyaasay 12 milyan oo qof. Muhaajiriinta ugu badan ayaa ka tegay Ivory Coast, waxaana tiradooda lagu qiyaasay toddoba kun oo qof. Muhaajiriinta Afrikaanka ah ayaa intooda badan u taga Tunisia si ay ugu gudbaan Yurub, halka qaar kalena ay shaqooyin ka helaan waddankaas Carbeed. https://www.bbc.com/somali/articles/cll3e8g1075o +politics Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi: Waa sidee xiriirka Kim Jong-un iyo Joe Biden? "Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inay isku dayayeen inay la xiriiraan dowladda Kuuriyada Waqooyi tan iyo bishii Febraayo laakiin wali wax jawaab ah aysan ka helin. Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxwayne Biden ayaa warbaahinta u sheegay in Aqalka Cad uu isku dayay in uu qaabab kala duwan xiriir ula sameeyo xukuumadda Pyongyang si loo dajiyo halista ah in xiisadda labada dhinac ay sii korodho. Madaxwayne Biden ayaa la filayaa in toddobaadyada soo socda uu soo saaro faahfaahin ku saabsan siyaasadaha uu kula dhaqmi doono Kuuriyada Waqooyi. Bishii Janaayo, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in Mareykanka ay yihiin cadowga ugu wayn ee uu dalkiisa leeyahay. Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi ayaa wali isku khilaafsan barnaamijyada Nukliyeerka iyo gantaalaha ee Kuuriyada Waqooyi. Seddex kulan oo dhex maray madaxweynihii ka horeeyey Mr Biden - Donald Trump iyo Kim Jong-un ayaa guul yar laga gaadhay. Wadahadallada ayaa fashilmay kaddib markii lagu guul darreystay Kuuriyada Waqooyi laga dhaadhiciyo inay ka tanaasulaan hubka nukliyeerka, kaasoo ahaa dalab muhiim ah oo ay u baahan yihiin Mareykanka iyo quwadaha kale ee reer galbeedka. Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaan weli Biden u aqoonsanayn Madaxweynaha Mareykanka. Mr Biden wuxuu horey u shaaciyey dib u eegis siyaasadeed oo ku saabsan Kuuriyada Waqooyi, taasoo la filayo in la soo bandhigo bisha Abriil. Wuxuu ugu yeeray Mr Kim iyo maamulkiisa ""tuugo"" wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo hub ka dhigista Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ka hor inta aan laga khafiifin cunaqabateynta culus ee Mareykanka iyo Qaramada Midoobay. Kim ayaa balllan qaaday in uusii kordhin doono awoodaha niyukleerka iyo midda militari ee dalkiisa. Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donold Trump ayaa intii uu xilka hayay waxaa labo mar uu kulamo taariikhi ah la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi. Balse kulamadaaasi ma jirin natiijooyiin iyo heshiisyo la taaban karo oo ka soo baxay. Kuuriyada waqooyi ayaa mar walba Mareykanka ugu baaqda in marka hore cunaqabateynta saaran uu ka qaado ka hor inta aan wadahadalo miro dhal ah la yeelan. Kuuriyada Waqooyi ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxay dhowr jeer tijaabisay gantaallada riddada dheer taasi oo Mareykanka ka careysiisay. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa imika wacad ku maray in uu sii xoojin doono hormarinta hubka Niyukleerka. Xiisadda ayaa hoos u dhacday markii Mr Trump uu ballan qaaday inuu xiriir shakhsi ah la yeelanayo Mr Kim. Balse shirarkii aadka loo buun buuniyey, oo ay ku jireen shirarkii ka dhacay Singapore iyo Vietnam, ayaa lagu guul dareystay in laga gudbo kala duwanaanshaha hub ka dhigista iyo cunaqabateynta nukliyeerka. Kuuriyada Waqooyi ayaa hadda dunida kale ka go'doonsan marka loo eego xilliyadii hore. Xuduudaha dalkaas ayaa muddo ka badan sanad xirnaa sababo la xiriira Covid-19. Ganacsiga ay la leeyihiin dalka ay xulafada weyn yihiin ee Shiinaha ayaa hoos u dhacay in ka badan 90% bilihii la soo dhaafay. Madaxwaynahihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa horay uga sheegay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay in uu burburin doono Kuuriyada Waqooyi haddii lagu qasbo in ay isdifaacaan ama ay difaacaan saaxibada Mareykanka. Waxa ay ahayd khudbad kulul oo uu ku tilmaamay hogaamiye, Kim Jong-un, ""Nin sita gantaal islamarkana ku jira howlgal ismiidaamin ah."" Kuuriyadda waqooyi ayaa tijaabisay Nukliyeerka iyo gantaallo iyada oo ku gacan sayrtay Qaramada Midoobay." https://www.bbc.com/somali/war-56399802 +politics Nin Soomaali ah oo uu Mareykanku si wayn u raadinayay oo Kenya lagu qabtay Laanta Dambi-baarista dalka Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa shaacisay in howlgal ay fuliyeen cutub ka tirsan ciidanka la dagaallanka dambiyada halista ah ay soo xireen Cabdi Xuseen Axmed oo sidoo kale loo yaqaanno “Abuu Khaadi”, oo ah eedeysane ay si wayn u raadinaysay dowladda Mareykanka. Xarigga Cabdi Xuseen Axmed ayaa yimid ku dhawaad labo bilood kaddib markii gacanta lagu dhigay nin kale ay isla shaqysanayeen oo la yiraahdo Badru Cabdul Casiis Saalax, kaas oo la qabtay 31-kii bishii May ee sanadkan 2022-ka. Xilligaas waxa ay ahayd hal isbuuc kaddib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay in lacag malaayiin doolar ah lagu abaalmarinayo ciddii soo qabata eedeysaneyaashan. Maxaa loo haystaa? Ninkan ayaa loo haystaa dambiyo ku saabsan kala gudbinta daroogada iyo xayawaan duurjoog ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Laanta Dambi-baarista Kenya. Mareykanka ayaa Cabdi Xuseen madixiisa dul dhigay abaal-marin dhan hal milyan oo doolar oo loo ballanqaaday in la siiyo qofkii keena macluumaad lagu soo qaban karo. Dambiga looga soo oogay Mareykanka waxaa kale oo ku wehlinayay eedeysaneyaal kale oo lagu kala magacaabo Moazu Kromah, oo sidoo kale loo yaqaanno “Ayoub,”, “Ayuba,” ama “Kampala Man;” Amara Cherif, oo loo yaqaanno “Bamba Issiaka;” iyo Mansur Maxamed Surur. Dhammaantood waxaa lagu tuhunsan yahay inay ka qayb qaateen qorsheynta iyo fulinta dambiyo ku saabsan dhoofinta geesaha Wiyisha iyo foolasha Maroodiga, oo labadoodaba ah xayawaan la ilaaliyo jiritaankooda, kuwaasoo ay kusii iibsadeen lacag ka badan toddobo milyan oo doollar. In ka badan 35 wiyil iyo 100 marooti ayaa lagu dilay ugaarsigaas sharci darrada ah ee ay ku eedsan yihiin ragga loo haysto dacwadda. Laga soo billaabo bishii December ee sanadkii 2012-kii ilaa bishii May ee 2019-kii, Cabdi iyo nimanka la shaqeynayay waxa ay dhoofiyeen ama iibiyeen ugu yaraan 190 kiilo oo geesaha Wiyisha ah iyo ugu yaraan 10 tan oo foolasha Maroodiga ah, oo ay ka qaadeen dalal ka tirsan Afrika, sida Kenya, Uganda, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Guinea, Mozambique, Senegal iyo Tanzania. Qabashada eedeysanihii hore Badru Cabdul Casiis Salax ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska. Markii la qabtay waxay ahayd afar maalmood uun ka dib markii Agaasinka Danbi barista ee Kenya iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta. Booliska ayaa markaas sheegay inay ku raad joogeen Cabdi Xuseen Axmed oo ay wada socdeen Saalax. Qaabkii loo soo qabtay faahfaahin lagama bixin, mana cadda in ay jirto cid qaadatay abaalmarintii uu Mareykanku ballanqaaday. Balse safaaradda Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii May xaqiijisay qabashada ninka baxsadka ku jiray, waxayna shacabka ku ammaantay inay gacan ka geysteen soo qabashadiisa. https://www.bbc.com/somali/articles/crg3r67zy04o +politics Isbarbardhigga awoodda milatari ee Hindiya iyo Shiinaha Khubarada falanqeeya arrimaha diblomaasiyadda Adduunka ayaa walaac weyn ka muujinaya xiisad kasoo dhex cusboonaatay labada waddan ee Hindiya iyo Shiinaha, kuwaasoo heysta hubka sida ba'an wax u gummaada ee nuclear-ka. Labada dal waxaa u dhaxeeya murankii ugu waqtiga dheeraa ee dhinaca xadka, waxayna is hor fadhiyaan ku dhawaad nus qarni. Maalintii Isniinta waxaa xuduudda ka dhacay dagaal u dhaxeeya labada ciidan, kaasoo ay Hindiya sheegtay inay uga dhinteen ugu yaraan 20 askari. Lama oga khasaaraha gaaray dhinaca Shiinaha. Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo war soo saaray ayaa wacad ku maray in dalkiisa uu difaacan doono xadkiisa, wax kasta oo ay ku qaadato. Dhanka kale, dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay maanta ka hadashay dhacdadii Isniinta, ayaa sheegtay in Hindiya ay ka careysiineyso Shiinaha, si ulakac ahna u daandaansaneyso. Hindiya iyo Shiinaha waa labada waddan ee ugu shacabka badan caalamka. 1.393 billion oo qof ayaa ku nool Shiinaha, sida lagu sheegay tirokoobkii la sameeyay sanadkii 2018-kii, halka Hindiyana isla sannadkaas ay tirada shacabkeeda noqdeen 1.353 billion oo ruux. Xilligan oo xiisad cusub ay ka soo cusboonaatay labadan dal ee dariska ah, waxaan isbarbar dhig ku sameyneynaa awooddooda dhinaca milatariga. Qiimeyn uu sameeyay wargeyska businessinsider oo soo xiganaya bogga statista sannadkan 2020-ka ayuu ku sheegay in Shiinaha uu yahay waddanka ugu miltariga badan adduunka, iyadoo ciidamadiisa diyaarka ah ay tiradoodu tahay 2.18 milyan oo askari. Hindiya ayaa kaalinta labaad ku jirta, halka dalalka kale ee shanta boos ee ugu horreysa buuxinaya ay kala yihiin Mareykanka, Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka. Bishii October ee sanadkii 2019-kii ayuu Shiinaha sameeyay dhoollatuskii milatari ee ugu dambeeyay. Waxaa munaasabaddaas lagu soo bandhigay ciidan tiradoodu gaareyso 15,000 oo askari, 580 qalabka milatariga ah iyo 160 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah. Shiinaha waa waddanka labaad ee dhaqaalaha ugu badan ku bixiya milatariga, isagoo sanadkiiba u adeegsada $261 bilyan oo doolar, halka Hindiya ay ku jirto kaalinta saddexaad, ayna ciidamadeeda ku bixiso kharash dhan $71.1 bilyan oo doolar, sida uu shaaciyay macadka caalamiga ah ee cilmibaarista nabadda ee Stockholm. Shiinaha waa waddanka saddexaad ee ugu sarreeya dhinaca awoodda diyaaradaha dagaalka, wuxuuna heystaa 3,210 diyaaradood. Hindiya oo ku jirta kaalinta afaraad waxay heysataa 2,123 diyaaradood. In muddo ahba Hindiya waxay xoojineysay cududdeeda milatari, iyadoo labo dhinac oo xuduudaheeda ah cadaawad kala wadaagta Shiinaha iyo Pakistan. Dhinaca taangiyada dagaalka, Hindiya ayaa heysata tiro ka badan tan uu heysto Shiinaha. Shiinaha ayaa heysta taangiyo tiradoodu gaareyso 3,200, halka ay Hindiya heysato in ka badan 4,200 oo taangi, sida lagu xusay xog uu soo bandhigay bogga isbarbardhigga ku sameeya cududda milatari ee dalalka caalamka ee Global Firepower Hase yeeshee garaadiga gaashaan ee uu Shiinaha heysto ayaa lagu qiyaasay 33,000, kuwaasoo aad uga badan tirada ay ciidamada Hindiya heystaan oo ah 8,600. Sida lagu muujiyay xog dhawaan lasoo saaray, Shiinaha ayaa heysta tiro toban laab ku ah qalabka gantaallada lagu rido ee ay heysato Hindiya. Qalabkaas ayuu Shiinaha ka heystaa 2650, halka Hindiya ay heysato 266 kaliya. Dhinaca awoodda baddana, Shiinaha ayaa heysta 777 maraakiibta ciidamada badda ee noocyada kala duwan ah, iyadoo Hindiya ay heysato 285. Shiinaha ayaa heysta 74 markab oo kuwa badda hoosteeda mara ah, kuwaasoo ay Hindiya ka heysato 16. Sidoo kale wuxuu Shiinaha heystaa 36 markab oo kuwa wax burburiya ah, halka ay noocaas Hindiya ka heysato 11. https://www.bbc.com/somali/war-53121105 +politics Trump ma wuxuu doonayaa in uu cafis u fidiyo dadka isaga u dhow? "Waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa fiirineysa sheegashooyinka ah in dad u ololeeyay Trump ay isku dayeen in ay adeegsadaan laaluush si ay u helaan cafis madaxweyne, sida ay muujinayaan waraaqaha maxkamadda ee aan la shaacin. Sida ay yiraadhdeen bishii Ogosto, baadhayaashu waxay bilaabeen inay baadhaan ""qorshe hawleed qarsoodi ah"" oo laga yaabo in ay ku lug leedahay isku dayo lala xidhiidhinayo saraakiisha Aqalka Cad. Xogtaaas wax magacyo ah ma bixinayso, laakiin waaxda caddaaladda ayaa sheegeysa in uusan jirin sarkaal dowladeed oo la baadhayo. Madaxweyne Trump qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay baadhitaanka inuu yahay ""war been abuur ah"". Waa wax iska caadi ah in madaxweynayaasha xilka ka degaya ay adeegsadaan xuquuqdooda cafis bixinta, taas oo tirtirta xukunnada hore u dhacay. Madaxweyne Trump - oo xafiiska ka tagaya bisha Janaayo, inkasta oo uu wali ku dedaalayo dacwado maxkamadeed oo la xiriira guuldarradii doorashada - wuxuu adeegsaday nidaamkan dhowr jeer. Toddobaadkii hore wuxuu cafis u fidiyay la taliyihiisii hore ee amniga qaranka Michael Flynn, kaas oo qirtay dambiga ah inuu been u sheegay FBI-da. Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in Mr Trump uu ka hadlayey suurtagalnimada ah in la cafiyo xubno qoyskiisa ka tirsan. Dukumiintiga ay sii deysay maxkamad Federaal ah Washington DC, Talaadadii, waxay la xidhiidhaa codsi ay Waaxda Caddaaladda (DOJ) codsatay in loo adeegsado email-lada iyo isgaarsiinta kale ee lagu qabtay baadhitaannada laaluushka iyo cafiska. Xogta, xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku yidhaahdeen warqadda, waxay tilmaamaysaa ""fal dambiyeed"". Madaxweyne Trump ayaa illaa hadda ka xamaasad yar doonistiisa ku aaddanayd adeegsiggiisa arrinka uu garta u leeyahay ee ah inuu bixiyo cafis, marka loo fiiriyo kuwii isaga ka horreeyay ee madaxweynayaasha soo noqday, sida laga soo xigtay Xarunta Cilmi Baadhista ee Pew. Barack Obama, oo Trump uu bedelay, wuxuu sannadkii 2013 bixiyey 212 cafis iyo 1,715 isdhaafsi - waana tii ugu badneyd tan iyo Madaxweyne Harry Truman 1940 illaa 1950-maadkii. Marka laga reebo Michael Flynn - oo sannadkii 2017 lagu xukumay inuu ka been sheegay xidhiidhkii uu la yeeshay safiirka Ruushka - saraakiisha kale ee cafiska u fidiyay Mr Trump waxaa ka mid ah Roger Stone oo ah istiraatiijiyad dejiye siyaasadeed, Sheriff Joe Arpaio, iyo kaaliyihii hore ee madaxweyne ku xigeenka Scooter Libby. Tiro ka mid ah xulafada Trump ayaa lagu soo warramayaa in ay rajeynayaan in loo naxariisto, oo ay ku jiraan lataliyayaashii hore Rick Gates iyo George Papadopoulos, oo labaduba lagu xukumay hayo baadhitaan la xiriira faragelintii Ruushka ee doorashadii 2016. Warbaahinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegaysa in madaxweynaha uu ka fiirsanayo inuu cafis u fidiyo xubnaha qoyskiisa ah - inkasta oo aan midna lagu eedeyn wax dambi ah. The New York Times ayaa sheegaysa in Mr Trump uu u muuqdo mid ka walaacsan mustaqbalka madaxweynaha Joe Biden iyo maamulka Dimuqraadiga in ay bartilmaamedsan karaan caruurtiisa kala ah Donald Jr, Eric iyo Ivanka Trump, iyo sidoo kale ninka Ivanka seygeeda ah ee Jared Kushner, oo ah lataliye sare oo ka tirsan Aqalka Cad. Waxaa jira hor dhac ah in la siiyo cafis dadka aan dacwad lagu soo oogin. Sannadkii 1974, Madaxweyne Gerald Ford wuxuu si hordhac ah u sii daayay cafis uu u fidiyay madaxweynihii isaga ka horreeyay Richard Nixon, wuxuu soo afjaray suurtagal kasta oo dacwad oogis loogu sameyn karo ka dib fadeexaddii Watergate." https://www.bbc.com/somali/war-55161652 +politics Boris Johnson oo oo ku guuleystay doorashadii Britain "Boris Johnson ayaa dib ugu laaban doona xafiiska Downing Street isaga oo si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday shalay. Xisbiga Mr Johnson ayaa xitaa guulo ka soo hoyiyay goobo ay caadiyan markii hore ku guuleysan jireen xisbiga shaqaalaha. Iyada oo ay hartay in lagu dhawaaqo natiijada dhowr kursi ayaa waxa ay BBC saadaalinayso in xisbiga muxafidka uu helaya qlabiyad dhan 78. Rai'sul wasaaraha ayaa sheegay in guushan ay siinayso fursad ""uu ku hirgaliyo ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub "" islamarkana uu UK ka saaro Yurub. Jeremy Corbyn ayaa dhankiisa sheegay in ay u tahay ""habeen aad uu u niyad jabay ""islamarkana uusan u tartami doonin mustaqbalka doorashooyiinka soo socda. Xisbiga muxaafidka ayaa heli doona 364 xildhibaan, halka xisbiga shaqaalaha ay ku guuleysteen kuraas dhan 203,SNP 55, Liberal democrats 13, Plaid Cymru afar iyo Greens oo hal kursi ah. Arrintan ayaa waxay micnaheedu tahay in xisbiga muxaafidka ay aqlabiyadii ugu balaarnayd ku yeelan doonaan baarlamaanka tan iyo 1987 oo Margaret Thatcher ay aqlabiyad la mi ah heshay. Xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy Corbyn ayaa lumiyay deegaan barlaameednyada kala ah North, Midlands iyo Wales, kuwaas oo sanadkii 2016-ka taageeray qorshaha ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub. Sidoo kale deegaan barlamaaneedyada kala ah Darlington, Sedgefield iyo Workington oo markii hore uu ku xooganaa xisbiga shaqaalaha ayaa haatan waxaa uu ka baxay ganactooda, waxaana laga soo doortay xildhibaano ka tirsan xisbiga muxaafidka ee talada haya. Dhanka kale xisbiga Scottish National Party ayaa isaguna u muuqda in xoogahaa guul uu gaaray, waxaana dhowr deegaan barlamaaneed uu kaga guuleystay xisbiyada ugu tunka weyn dalka Britain ee Labour iyo Conservatives." https://www.bbc.com/somali/war-50773141 +politics Sikkim: Ciidamada Hindiya iyo Shiinaha 'oo dagaal uu ku dhex maray xadka' Ciidamada Shiinaha iyo Hindiya ayaa la sheegay in mar kale uu isku dhac ku dhex maray xadka, iyadoo labada dhinacba uu dhaawac ka soo gaaray dagaalkaas, sida ay sheegtay warbaahinta Hindiya. Dagaalka ayaa Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay waqooyiga gobolka Sikkim. Ciidamada Hindiya ayaa sheegay in dhacdada ay ahayd mid la xalliyay. Xiisadda ayaa aad u sarreysa iyadoo xadkaasi uu yahay kan ugu muddada dher dunida ee uu muran ka taagnaa. Labada dhinac ayaa sheeganaya in ay maamulaan deegaanno badan oo xadka ah. Ugu yaraan 20 ciidamada Hindiya ka tirsan ayaa bishii June ee la soo dhaafay ku dhintay deegaanka skirmish ee Ladakh. Waxay ka dhacday Nathu La pass ee waqooyiga Sikkim, sida ay warbaahinta sheegtay. Gobolka Sikkim wuxuu u dhaxeeyaa Bhutan iyo Nepal, wuxuuna 2,500km (1,500 meyl) bari kaga beegan yahay deegaanka Ladakh. Ciidamo roondo ah oo Shiinees ah ayaa isku dayay inay galaan dhanka Hindiya, dib ayaana loo soo riixay, sida ay saraakiishu sheegayaan. Warsaxaafadeed ay soo saareen ciidamada Hindiya ayaa lagu dhayalsaday dhacdadaas, iyadoo lagu sheegay in isku dhac yar uu dhacay 20-kii January 2021, isla markaana la xalliyay. Wararkii ugu dambeeyay ee isku dhacyada waxay muujinayaan sida ay weli u kulushahay xiisadda. Warka ciidamada Hindiya ayaa lagu xusay in labada dhinacba ay daneynayaan in wada xaajoodyada ay furnaadaan isla markaana aysan dooneyn inay carqaladeeyaan hannaanka. Waxay dhowr jeer yeesheen wada hadallo heer militari ah si loo dejiyo xiisadda balse weli waxba kama miro dhalin. Ciidamada ayaana weli isku dhacyo ay ku dhex marayaan xadka. Saraakiil hore oo ciidamada Hindiya ah ayaa sheegay in isku dhacyada aanan laga fogaan karin. Balse waxay isku raaceen in wada hadallada loo baahan yahay inay sii socdaan maaddaama labada dalba aysan dooneyn dagaal. In badan oo 3,440km (2,100-meyl) oo xadka ah si fiican looma calaamadeyn. Webiyada iyo harooyinka waxay la micno yihiin in leenku uu weecan karo, taas oo dhowr jeer weji ka weji isaga horkeentay ciidamada labada wadan. Dagaalkii dhiigga ugu badnaa uu ku daatay wuxuu bishii June ka dhacay Dooxada Galwan ee Ladakh. Shiinaha ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray khasaaro balse wax war ah lagama hayo. Tan iyo dagaalkaas faraha la iskula tegay, labada dhinac ayaa qabtay wada hadallo, midkii ugu dambeeyay wuxuu Axaddii dhex maray taliyeyaasha militariga. Labada dalba wax badan ayaa ka hallaabaya, iyadoo Shiinuhu uu ka mid yahay saaxiibbada ugu weyn ee dhanka ganacsiga ee Hindiya. Xiriirka ayaa sii xumaaday sababo la xiriira dagaalka xadka. Labada dhinac ayaa dhismooyin ka wada xadka. Labada dal ayaa keliya hal mar is dagaalay, waa snaadkii 1962, markii Hindiya si aad ah looga adkaaday. https://www.bbc.com/somali/war-55792100 +politics Kenya:Iskuul mar ahaan jiray xabsi ay dadka ku ciqaabaan Ingiriiska "Iskuul ku yaalla gobolka bartamaha Kenya ayaa waxaa ku yaalla dhismo ay ciidamadii gumeysiga Ingiriiska u isticmali jireen xarigga iyo jirdilka dadkii gobannima doonka ahaa. Wambugu wa Nyingi oo 91-ayaan u baahnayn in la xusuusiyo goobtani waxay ahan jirtay. Xabsigani yar ayaa ah mid ka mid ah dhowr xabsi oo sanadkii 1959 uu ku xirnaa muddo 3 bilood ah. Ma lahayn wax sariir ah qolkani oo dhan 2mitir , loomana ogoleen in uu halkan ka baxo islamarkana waa laga mamnuucay in uu qofna xiriir la smaeeyo. Iskuulkani oo hadda lagu magacaabo Mweru High School ayaa 60 sano ka hor ka mid ahaa shabakado xabsiyo ahaa oo dhanaa 50 oo ku yaallay dalka Kenya. Xerooyiinka ayaa dadka looga shakiyo in ay ka mid yihiin dagaalyahanadii Mau Mau lagu xiri jiray islamarkana si arxan daro ah ay ula dhaqmi jireen dowladdii gumeysiga. Dagaalyahanadii Mau Mau ayaa dagaal jabhadeyn ah qaaday 1952 si ay dib ugu helaan dhulkii ay ka qaateen dadkii caddaanka ahaa ka dib markii ay Ingiriiska qabsadeen 1895. Dowladdii xilligaa jirtay ayaa uga jawaabtay xalad degdeg ah oo ay soo rogtay iyo xarriga kumannaan rag ah oo lagu hayay xerooyiin. Mar ayaa waxaa xerooyiinkan lagu hayay dad dhan 70,000 oo qof . Militari ahaan ayaa waxaa sanaddii 1956, laga adkaday kooxdii Mau Mau ka dib markii la qabtay hogaamiyahoodii, Dedan Kimathi, oo markii dambe na la dilay. Balse xaaladdii degdega ahayd ee dalka lagu soo rogay ayaa sii jirtay saddex sano oo dheeraad ah. Kenya ayaa markii dambe qaadatay xorriyadda dabayaaqadii 1963 islamarkana dadka taariikh-yahanada waxay ku doodaan in kacdoonkii Mau Mau ay soo dadajisay in la soo afjaro xukunkii gumeystaha. Mr wa Nyingi ayaa ka mid ah dadkii lagu eedeeyay in uu ka qayb qatay dhaartii ka mid noqoshada Mau Mau . laga soo bilaabo 1952 ilaa 1959 waxaa loo warejiyay toboneeyo xero oo dadka lagu xiri jiray ugu dambeyntiina waxaa la geeyay Mweru ka hor intii aan la siideyn. Hadda Nyingi waxaa dhib ku ah socodka taasi oo uu sheegay in ay sabab u tahay jeebadayntii iyo silsiladihii lagu xiri jiray isaga oo lagu qasbay in uu shaqooyiin adag qabto. Waxa uu sidoo kale xusuustaa in si ula kac ah cunada loogu diidi jiray islamarkana la garaaci jiray ilaa uu ka suuxo xilligii waxa loogu magac daray xasuuqii Hola sanadii 1959. 11 maxbuus oo ku jiray xerada Hola ayaa waxaa dilay askartii ilaalinaysay islamarkana Mr wa Nyingi, uu markii dambe soo miirsaday iyada oo raggii dilka geysanayay ay u maleeynayeen inuu dhintay. Sanaddii 2013, ka dib dagaal dheer oo dhanka sharciga ah oo ay galeen dagaalyahanadii hore ee Mau mau oo uu ka mid yahay Mr wa Nyingi, ayaa waxay dowladda Britain qiratay""in Kenyanka loo gaystay jirdil iyo xadgudubyo kale islamarkana "" ay ka shalaaynayso ""in xadgudubyo ay dhacen "". kumanaan qofa yaa ka dib helay magdhaw. Dugsiga sare ee Mweru High School, oo aan ka fogeyn goobtii lagu hayn jiray Mr wa Nyingi ayaa waxa ku yaalla qol markii hore xabsi ahaan jiray. Qolkan ayaa imika ah fasal , balse waxaa saburadda korkeeda ka muuqda in goobta ay ahaan jirtay xabsi." https://www.bbc.com/somali/war-49541033 +politics "Joe Biden: ""Trump maskaxdiisa il-biriqsiyo ayay isku baddeshaa""" "Dhakhtarka gaarka ah ee Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha uu dhameystirtay daweyntiisi xanuunka Covid-19 sidoo kalana uu shaqadiisii caadiga ahayd dib u bilaabi doono dhammaadka toddobaadkan. Dr Sean Conley ayaa sheegay in madaxweynaha uu safiican u qaatay dawada ayna xaaladdiisu caafimaad ay si caadi ah ku soo noqotay. Mr Trump ayaa markii dambe sheegay in maanta Jimcaha uu baaritaan kale isku sameyn doono ka dibna uu rajeynayo inuu dib u bilaabo ololihiisa doorashada dhammaadka toddobaadkan. Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay sidoo kale sheegay inuu ka baxay dooddii Khamiista loo ballan sanaa ee isaga Joe Biden. Waxa uu sheegay inuusan waqtigiisa ku lumineyn dood dhanka online-ka ah kaddib markii qaban-qaabiyeyaasha ay sheegeen iney doodda noqon doonto mid si toos ah aanu la isu hor fariisanyn. Tallaabadasi ayaa horseedday muran ku saabsan qaabka iyo waqtiga la qabanayo doodda xigta. Waxay ka bilaabatay guddiga qaabilsan doodaha masharxiinta madaxweynaha kaddib markii uu ku dhawaaqay in 15-ka bishan Octoobar ay doodda labaad ee musharixiinta madaxweynaha ka dhici doonoto Miami si loo xaqiijiyo badqabka dhammaan dadka ku lugta leh doodda. Hase yeeshee madaxweyne Trump oo wereysi dhanka teeloofoonka ah siiyay warbaahinta Fox News ayaa sheegay in go'aankaasi ka soo baxay guddiga uu yahay mid laga caroodo. ""Fariiso combuyuutar gadaashii, waa wax lala yaabo."" Dhanka kale Joe Biden ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu maskaxdiisa il-biriqsi kasto baddelo. Kooxda ololaha u qaabisan Trump ma doonayaan in madaxweyhana uu ka jawaabo su'aalaha dadweynaha. Ugu dambeyn haatan waxaa la isku raacay in doodda xigta ee u dhaxeysa Trump iyo biden ay 22-ka Octoobar ka dhacdo Miami. Hase yeeshee kooxda Trump ayaa sheegtay iney jiri doonto dood saddexaad oo si toos ah la isku hor fariisanyo 29-ka Octoobar, 5 maalmood un ka hor maalinta doorashada Mareykanka loo dareerayo, balse waxaa warkaasi gaashaanka u daruuray kooda Biden." https://www.bbc.com/somali/war-54472010 +politics Saddex arrin oo layaab leh oo ku saabsan xaaska Raysul Wasaaraha cusub ee UK Hindiya waxaa aad looga hadal hayaa sida uu Rishi Sunak ugu guuleystay in uu noqdo Raysul Wasaaraha Britain, balse taas kaliya ma aha waxa laga hadlayo. Xaaskiisa Akshata Murty waa gabadha bilyaneer Hindi ah oo lagu magacaabo Narayana Murthy, kaasoo ka mid ah ganacsatada ugu caansan dalkaas oo xitaa lagu naaneyso Bill Gates-ka Hindiya. Haddaba waa tuma xaaska raysul wasaaraha UK? Kuwani waa dhowr arrimood oo ku saabsan taariikh nololeedkeeda iyo waxyaabaha gaarka u ah. Ms Murty oo aabbeheed la wadaagta hanti badan ayaa indhaha caalamka soo jiidatay horaantii sanadkan ka dib markii ay heshay mudnaanta ah ineysan ku khasbaneyn bixinta canshuuraha dhaqaalaha ay ka hesho meel ka baxsan UK. Markii dambe ayey oggolaatay in ay dowladda UK siiso canshuurta dakhligeeda dibadda kasoo xarooda. Mar kale ayey hadda qabsatay indhaha warbaahinta caalamiga ah iyo shacabka Hindiya, xilli maanta uu ninkeeda la kulmayo Boqor Charles. Inkastoo ay qoyskeeda aad u hanti badan yihiin, Ms Murty waxay nolosheeda kusoo billaabatay duruuf adag. Warqad uu aabeheed u diray, oo la daabacay sanadkii 2013-kii, ayuu uga sheekeeyay xasuusta ku saabsan in markii uu soo gaaray warka loogu sheegayay inay ku dhalatay Hubli, bishii April ee sanadkii 1980. Waxa uu sheegay in warka dhalashada gabadhiisa uu u soo sheegay qof ay shaqo wadaag ahaayeen, maaddaama xilligaas aysan qoyskan awood dhaqaale u lahayn in ay isticmaalaan telefoon. “Hooyadaa iyo aniga xilligaas waxaan ahayn dhallinyaro, waxaana la daalaa dhaceynay inaan cago fiican ku istaagno oo aan xirfaddeenna ku shaqeysanno,” ayu uku qoray warqadda. Markii ay dhowr bilood uun jirtay, Ms Murty waxaa loo diray iney la noolaato awowgeeda dhanka aabbe, xilli hooyadeed, Sudha Murty iyo aabbeheed ay xirfaddooda ku hormarinayeen magaalada Mumbai. Hal sano ka dib, Mr Murthy waxa uu qeyb ka noqoday aasaaska shirkadda Infosys oo ah shirkad IT, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu taajirsan Hindiya. Waalidiinta Ms Murty oo horumar weyn sameeyay waxa ay sidoo kale xoogga saareen in ay ku dadaalaan wax baridda carruurtooda oo labo ah. Mr Murthy waxa uu sheegay in guriga qoyskiisa uusan oollin TV si waqti loogu helo “waxyaabaha ay ka mid yihiin aqrinta duruusta, doodaha wax barashada iyo la kulanka saaxiibbada”. Iyadu waxa ay baratay cilmiga dhaqaalaha iyo luuqadda Faransiiska, oo ay ka dhigatay machad ku yaalla gobolka California ee dalka Mareykanka. Ms Murty waxa ay markaas ka dib shahaadada diploma-da ku qaadatay dugsi lagu barto culuumta dharka. Ka dib waxa ay culuumta MBA ka dhigatay Jaamacadda Stanford. Isla jaamacaddaas ayey isku barteen Mr Sunak. Lamanaahan waxa ay is guursadeen sanadkii 2009, waxayna isu dhaleen labo gabdhood. Haweeneydan 42 jirka ah waxa ay wax barashada xirfaddeeda dhinaca maaliyadda ka billowday California ka hor inta aysan furanin shirkad iyada u gaar ah, oo la yiraahdo Akshata Designs, taasoo dharkii ugu horreeyay soo saartay sanadkii 2011. Hase yeeshee wargeyska Guardian ayaa tebiyay in ganacsigaas u uku burburay saddexdii sano ee ugu horreysay gudahooda. Ganacsiyo kale oo kaas ka dambeeyay ayeyse ku guuleysatay. Sanadkii 2013 ayey iyada iyo ninkeeda isla aasaaseen shirkadda offshoot of Catamaran Ventures oo fadhigeedu yahay London. Ms Murty waxa ay sidoo kale agaasime ka tahay shirkadda Digme Fitness, oo ka shaqeysa jir dhiska. Ilaa hadda, Ms Murty uma muuqato in ay raadineyso hadal-heynta warbaahinta balse waxaa kusoo jiiday wararkii ugu dambeeyay ee la isla dhex maray. Hase ahaatee, ninkeeda oo hadda ku fariista kursiga ugu sarreeya ee siyaasadda Britain ayaa sabab ugu noqonaya in wararkeeda aad loo sii xiiseeyo. https://www.bbc.com/somali/articles/c51gpexn8d0o +politics Trump iyo Soomaaliya: Khaladaadka uu ka aaminsan yahay Soomaaliya "Warqadaha taxanaha ah ee Saxafiyiinta Afrika, waxaan ku qaadaneynaa middan uu qoray Ismaaciil Ceynashe oo eegaya sida Soomaaliya ay bartamaha ugu gashay ololaha doorashada Mareykanka. Madaxweyne Donald Trump ayaa gabadha ka tirsan Congress-ka dalkaas ee asalkeedu Soomaalida yahay wuxuu ka dhigay mid ka mid ah dumarka uu ololaha u adeegsanayay si dib loogu soo doorto doorashadii bisha November ee sannadkan taas oo looga adkaaday - iyo si dadban dalka ay ku dhalatay ee Soomaaliya. Weerarradiisii dhowaanahan ee uu ka sheegay ololihiisii Tulsa iyo Oklahoma, wuxuu gabadhan, 37 sano jirka ah, ku eedeeyay in ay dooneyso in ""qalalaasaha"" Soomaaliya ay keento Mareykanka. ""Waxay jeclaan lahayd in dowladda dalkeena ay la mid dhigto midda wadankii ay ka timid - Soomaaliya. Dowlad la'aan, amni la'aan, booliis la'aan, waxba kama jiraan, waa dagaallo uun. Haddana waxay inoo sheegeysaa sida dowlad looga shaqeysiiyo. Maya, waad mahadsan tahay."" Ilahn Cumar, oo Mareykanka tagtay iyadoo yar oo qaxooti ah, sannadkii 1995-tii, waa xildhibaannada matasha gobolka Minnesota, oo magaalada Minneapolis ay ka tirsan tahay halkaas oo ah meesha lagu dilay ninkii madowga ahaa George Floyd, bishii May. Dilkaas waxaa ka dhashay ololaha iyo dibadbaxyada hal ku dhigga looga dhigay Nolosha Dadka Madowga ah Qiimo ayey leedahay. Balse madaxweyne Trump ayaa doorbiday in ololihiisii Tulsa uu diiradda ku saaro meesha ay asal ahaan ka soo jeedo Ilhaan Cumar, waxaana suuragal ah inuu marin habaabinayo dhammaan qalalaasaha iyo rabshadaha agtiisa ka dhacayay. Iyadoo taa ka jawaabeysa Ilhaan Cumar waxay sheegtay in hadalkiisa uu yahay ""cunsuriyad"". Waxay intaa ku dartay in caradiisa ay ka dhalatay natiijada afti dhowaan la baahiyay oo muujisay in musharraxa ay loolamayaan ee Dimuquraadiga, Joe Biden, uu kaga sareeyo codeynta gobolkeeda, halkaas oo ay deggan yihiin bulsho Soomaali oo aad u badan. Madaxweynaha wuxuu Ilhaan ku tilmaamay qof ""uu naceyb ka buuxo oo ah dhibaatada hanti-wadaagga Mareykanka"", Wuxuuna ka digayay in dalka ay bedeleyso haddii Biden uu ku guuleysto xilka madaxweynaha. Waxaase xaqiiqo ah in Ilhaan iyo Biden ay kala taagan yihiin laba dhinac oo iska soo horjeeda oo Dimuquraadiga ka mid ah - Ilhaan waxay si weyn u taageereysay Bernie Sanders inuu ku guuleysto tikitka tartanka ee Dimuquraadiga. Balse, hadalladaas dhankiisa door ayey ku leeyihiin, waxayna u tahay in doorashada loo saldhigo, iyo codeynta - ayna Ilhaan iyo Soomaaliya ay eeganayaan door fiican. Xaqiiqdii, labaduba waxay dood kulul dhex martay sannadkii tagay iyadoo kullankii Trump ee North Carolina, ay dadkii ka qeybgalay ku qeylinayeen waxyaabo ku saabsan Ilhaan sida: ""Dib u celi! dib u celi!"" Waxay dib u soo nooleysay hadalkii ahaa ""iyada xir"" oo ah hal ku dhig ay taageerayaashiisa ka sameeyeen musharixii ay ku tartameen doorashadii 2016-kii, Hillary Clinton. Ilhaan Cumar, oo si weyn u dhalleeceysa madaxweynaha, waxay mar la kulantay caqabad - waxaa eeganayay Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga, labaduba - taas oo ka dhalatay hadallo ay ka sheegtay Yuhuuda, waxayna raali gelin ka bixisay farriimaha Twitter-ka ee ahaa in taageerada Xildhibaannada Mareykanka ay la xiriirto lacagta ololaha. Sanatar ka tirsan Jamhuuriga, Rand Paul, wuxuu sheegay inuu tikitka diyaaradda ee Soomaaliya ka bixinayo Ilhaan Cumar oo uu ku sheegay ""in ay qof qof aan abaal lahayn"". Waxay u muuqataa in aragtida Trump uu ka qabo Soomaaliya ay weli ku xiran tahay markii xilka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre, sannadkii 1991. Markaas ka dib Soomaaliya waxaa loo aqoonsaday dalka ugu fashil badan caalamka. Aragtidaas ayuu si khaldan oo aan ka fiirsasho lahayn u aaminsan yahay iyadoo xitaa dalka xaaladdiisa ay soo hagaageyso. Trump wuxuu mala-awaalayaa in Soomaaliya aysan ka jirin sharci iyo kala dambeyn, boolis iyo dowlad la'aan, haddaba taas waxay aad uga fog tahay xaqiiqada. Dowlad ay Qaramada Midoobeey taageereyso ayaa tallaabooyiin yaryar oo dib u dhis ah ka sameyneyso dalka, waxayna ka hor tageysaa Al-Shabaab - iyadoo dad badan oo qurba joog ah ay dalka dib ugu noqonayaan si dib u dhiska ay gacan uga geystaan. Dowladahaas soo maray dalka ee isbedellada sameynaya waxaa ka mid ah midda uu hadda hoggaaminaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo xubin ka ahaan jiray xafiiska xisbiga Jamhuuriga ee Buffalo, wuxuuna iska celiyay shaircigii dhalasho ee Mareykanka uu ka haystay. Wuxuuna xilka hayaan tan iyo horraantii 2017-kii. Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland na waxayn soo qabatay doorashooyiin xaq iyo xalaal ah - in kastoo aan la aqoonsanayn, haddana waa dimuquraadiyadda ugu adag ee Geeska Afrika. Waxaa suuragal ah in aragtida Trump iyo taageerayaashiisa ay Soomaaliya ka qabaan ay weli tahay mid ku saleysan wixii dhacay sannadkii 1993-dii - mid ka mid ah dhacdooyiinkii ugu muhiimsanaa ee faragelinta Afrika ee Mareykanka ayey ahayd, xilligaas oo askartii Mareykanka ay Muqdisho ka billaabeen howlgal dhibaato ku dhammaaday. Waxay doonayeen in ay soo qabtaan dagaal ooge awood lahaa. Laba diyaaradood oo ah nooca Black Hawk ee Mareykanka ayaa la soo riday, waxaana dagaalkaas ku dhimatay 18 askeri oo Mareykan ah iyo qiyaas ahaan 500 oo qof oo Soomaali ah. Muuqaallada laga duubay askartii maydkooda oo jidadka lagu jiidayay ayaa argagax ku abuuray shacabka Mareykanka, waxayna saameyn muhiim ah ku yeesheen siyaasadda dibadda Mareykanka gaar ahaa gobolka Bariga Afrika. Balse, Maamulka madaxweyne Trump wuxuu sameeyaa dagaal qarsoodi ah oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxayna ciidankiisa adeegsadaan diyaaradaha aanu duuliyaha saarnayn ee drone-ka iyo askar si gaar ah u tababaran, waana arrin ay dad yar oo Mareykan ah ogyihiin. Qaar ka mid ah Soomaalida waxay aragtida Trump ee dalkooda u arkaan mid aan sal lahayn, waxayna ku doodayaan in shuruucdiisa ay dalka ka dhigeen meel aad halis u ah - waxayna sheegayaan in shacabka ay markasta dhibaato ka soo gaarto duqeynta ay drones-ka Mareykanka geysteen Soomaaliya intuu uu xilka hayay Trump. Dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxay burburtay muddo hadda laga joogo 30 sano ku dhowaad, dadkiina waxay u kala qexeen daafaha caalamka - laga soo billaabo cirifka illaa New Zealand. Mareykanka gudihiisa, Soomaalida ugu badan waxay deggan yihiin Minneapolis oo hoy u ah qurbajoogta Soomaalida ah ee ugu badan caalamka - waa meel ay ka muuqdaan Muslimiin iyo dad madow ah. Tan iyo wixii ka dhambeeyay weerraradii 9/11 ee Al-Qacidda ku qaaday Mareykanka, waxay dood adag ka taagnayd kaalinta Muslimiinta ee Mareykanka. Trump wuxuu markasta adeegsadaa hadallo ka dhan ah Muslimiinta isagoo ka dhigaya dad soo galooti ah oo xun, wuxuuna adeegsadaa cabsida noocaas ah. Marka la eego Madaxweyne Trump, wuxuu Ilhaan Cumar u arkaan in aysan ka mid ahayn ""qaxootiga fiican"". Gabadhan oo sheegtay in ay ku faraxsan tahay xirashada Xijaabka, waxay u dagaallantay xaqa ay u leedahay in ay timaheeda qariso marka ay ku sugan tahay Aqalka Wakiillada, taas oo meesha ka saartay xannibaad soo jirtay 181 sano. Iyadoo ololaha doorashada Mareykanka uu si rasmi u sii xoogeysan doono, shanta bilood ee soo socota, waxaad filan kartaa in dagaalka afka ah ee arrinta la xiriira uu ku sii xoogeysto kulamada waaweyn ee Trump uu u qaban doono taageerayaashiisa." https://www.bbc.com/somali/war-53306700 +politics Kenya: Ninkii loo heystay weerarkii Jaamacadda Garissa oo xabsi isku dhex dilay Nin u dhashay dalka Tanzania oo loo heystay inuu ku lug lahaa weerarkii sanadkii 2015 lagu qaaday jaamacad ku taalla magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayna ku dhinteen 148 qof ayaa isku dilay gudaha xabsiga, sida laga soo xigtay booliiska iyo maamulka xabsiga. Afarta qof ee lagu eedeeyay weerarka waxaa gudaha jaamacadda ku toogtay ciidamada ammaanka, balse Rashid Charles Mberesero, iyo labo kale ayaa sanadkii hore lagu xukumay inay qorsheynayeen weerar argagixiso iyo inay ka tirsan tihiin kooxda al-Shabab. Mberesero ayaa lagu xukumay xabsi daa`in. Wargeyska Kenya ka soo baxa ee Standard ayaa shaaciyay in ninkani uu maskaxda ka xanuunsanaa intii uu xabsiga ku jirayna uu la kulmi jiray dhaqtar cilmu-nafsiga ah. Wargeyska kale ee The Daily Nation ee Kenya ka soo baxa ayaa isagana sheegay in Mberesero uu isku daldalay gudaha xabsiga isaga oo adeegsanaya bustihiisa. Al-Shabab ayaa sheegta inay dagaal kula jiraan Kenya tan iyo markii ay ciidamadeeda galeen Soomaaliya bishii October 2011, si ay meesha uga saaraan kooxda oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee ay Qaramada Midoobay taageerto. Saddexdii bishii April 2015, afar nin oo hubaysan ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Garissa ,iyaga oo si an kala sooc lahayn dadka u tooganayay. Ragga weerarka geystay ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanayay dadka Masiixiyiinta ah, kaddib markii ay gudaha dhismaha u soo galeen. Ugu dambayntii, waxaa halkaasi lagu dilay 148 qof -oo intooda badan ahaa ardey . Ciidamada ammaanka ayaa isku gadaamay jaamacada islamarkaana ugu dambeyntii dilay raggii weerarka soo qaaday. Ardeyda ayaa u diyaar garoobayay Salaadda Subax markii ay toogashada bilaabanaysay 5-tii aroornimo xilliga Kenya. Raggii hubaysnaa ayaa markii hore waxay toogteen laba nin oo ilaalinayay jaamacadda ka hor inta aysan u gudbin gudaha. Waxa ay kaddib u sii gudbeen xafiisyada maamulka, fasallada jaamacadda iyo qolalka la seexdo . Xilligii uu weerarka dhacayay waxaa waxaa jaamacadda ku sugnaa 900 oo arday ah. https://www.bbc.com/somali/war-55126646 +politics Maxaan ka ognahay ninka Soomaaliga ah ee loo xiray dilka xildhibaanka UK "Booliiska dalka Britain ayaa waxay shaaciyeen magaca nin Soomaali ah oo loo haysto dilkii xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka dalkaasi. Ninkani oo magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali - ayaa la rumeysan yahay in uusan ku jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay'adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5. Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in ninkani loo xiray tuhunka ah inuu dilay xildhibaan David Amess, uu horey uga qeyb galay barnaamij dowladda UK ay fulisay oo looga hortagayay xagjirnimada. Cali Xarbi Cali-oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska , balse asal ahaan Soomaali ah ayaa lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay xildhibaanka. Booliiska ayaa Sabtidii baaray laba guri oo ku yaalla aagga London islamarkana ma jiro qof kale oo ay imika ku raad-joogaan. Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex imika u baaraya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xiriirto xagjirnimada Islaamiyiinta. Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku ka dhacay, si loo xusuusto noloshii Sir David. Wuxuu ninkani ku xiran yahay imika Saldhigga Boliska ee Essex, halkaasi oo ay Su'aalo ku waydiin doonaan waaxda booliiska ee ka hortagga Argagixisada. Booliiska ayaa laga yaabaa inay sii hayaan ninkan illaa Talaadada ka hor intaanay ku soo oogin dacwad, ama aysan sii daayaan. Weriyaha BBC u qaabilsan amniga Frank Gardner ayaa sheegay in saraakiisha Whitehall ay sheegayaan in ninka la xiray uusan ku jirin liiska dadka looga shakisan yahay argagixisada. Heerka Feejignaanta UK ayaa wax wayn iska badalay tan iyo Jimcihii taasoo la micno ah in weerar argagixiso la filan karo. Sir David, oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa xisiga muxaafid tan iyo 1983, ayaa kulamadiisii ​​caadiga ahaa ee Jimcihii la lahaa xubno ka tirsan kaniisadda Belfairs Methodist markaasi oo dhowr jeer tooreey lala dhacay. 69 jirkan ayaa waxaa uu ifka uga tagay afar gabdhood iyo wiil. Waa xildhibaankii labaad ee la dilo sanadihii la soo dhaafay, kadib dilkii Jo Cox oo ka tirsanayd xisbiga shaqaalaha taasi oo la dilay bishii July 2016. Weerarkan ugu dambeeyay wuxuu dhaliyay walaac ku aaddan badqabka mudanayaasha, oo badankoodu kulamo ku qabta deegaanadooda kuwaasi oo qof walba uu ka soo qeyb geli karo. Xoghayaha arrimaha gudaha Britain Priti Patel ayaa sheegtay in la diyaariyay tallaabooyin lagu sugayo amniga xildhibaanada, balse waxay ku adkaysatay inay sii wadi doonaan u adeegidda dalka si carqalad la'aan ah. ""Waan sii wadi doonnaa, waxaan ku dhex nolnahay bulsho furan oo dimuqdimuqraadiyad ah,"" ayay tiri mar ay booqatay goobtii uu weerarku ka dhacay iyada o ay la socdaan ra'iisul Wasaare Boris Johnson, hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha Sir Keir Starmer iyo afhayeenka baarlamaanka Sir Lindsay Hoyl. ""Ma jirto Shakhsi na cabsi galin kara ama dhiirigalin kara inuu naga joojiyo inaan shaqeyno, si aan ugu adeegno dimuqraadiyadda aan dooranay."" Ms Patel waxay carabka ku adkeysay in kulamada fool-ka-fool ah ee lala yeelanayo dadka soo doortay ay sii socdoonaan. Si kastaba ha ahaatee, Tobias Elwood - oo xildhibaan ka tirsan xisbiga Muxaafidka wuxuu soo jeediyay in mudanayaashu taleefoonka kula hadlaan dadka soo doortay ama ay kulan kula qaataan aaladda Zoom-ka. Xildhibaan Diane Abbott oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa sheegtay inay doorbideyso in iyada oo ay muraayad u dhaxeyso la kulanto dadka soo doortay si ay uga hortagto weerarro toorreyda loo adeegsado . Dareenka shacabka deegaanka xildhibaanka la dilay Dareenka shacabka Leigh-on-Sea, oo uu Sir David matalayay muddo tobanaan sano ah, ayaa ah mid uu jahwareer ka muuqdo. Shacabka magaalada Essex ayaa isugu soo uruuray bannaanka Kaniisadda Methodist halkaas oo ahayd goobtii lagu weeraray xildhibaanka muddada dheer xilka hayay. Baroor-diiqa loo sameeynayo Sir David oo Jimcihii la dilay ayaa wali ka sii socota deegaankii uu matalayay muddada dheer." https://www.bbc.com/somali/war-58943215 +politics "Tacadiga haweenka Hindiya: ""Xildhibaan ayaa kufsaday, markii ay caddaalad weyday ayay is gubtay""" "Gabadh Hindiya u dhalatay ayaa geeriyootay ka dib markii ay dab is qabadsiisay, iyadoo ka cabaneysa sida loola dhaqmay ka dib markii xubin ka tirsan baarlamaanka ay ku dacweysay inuu kufsaday. Dhacdadan naxdinta leh ayaa mar kale toosh ku ifisay kufsiga iyo sida loola dhaqmo haweenka Hindiya. Gabadhan oo 24 sano jir ahayd ayaa toddobaadkii la soo dhaafay is gubtay kaddib markii ay ka hadashay sida ay booliiska iyo waaxda caddaaladda u maareeyeen kiiska xildhibaanka ay ku eedeysay inuu kufsaday. Gabadhan iyo saaxiibkeed ayaa toddobaadkii hore barta Facebook toos oo ugu baahiyay dhacdada oo ahayd in ay gaas isku shubeen ka dibna is gubeen, labadoodaba. Gabadha iyo saaxiibkeed ayaa isbitaal loola cararay maadaama gubasho aad u daran ay qabeen, saaxiibkeed ayaana geeriyooday Sabtidii, halka ay gabadha geeriyootay Talaadadii. Waxay ka soo safreen gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Uttar Pradesh, iyagoo tegay magaalada caasimadda ah ee Delhi, halkaas oo ay isku gubeen, bannaanka maxkamadda ugu sarreysa dalkaas, waxayna naxdin ku abuurtay bulshada dalkaas. Gabadhan ayaa Atul Rai, oo ka tirsan baarlamaanka Hindiya, xubinna ka ah xisbiga Bhujan Samaj, inuu ku kufsaday gurigiisa oo ku yaalla Varanasi. Markaa ka dib, sannadkii 2019 ayay booliiska ku dacweysay. Booliiska ayaa bil ka dib xiray Ray, balse wuu beeniyay dhammaan eedeymaha. Wuxuu xirnaa labadii sano ee la soo dhaafay. Xildhibaanka walaalkii ayaa dhammaadkii sannadkii hore dacwad ka gudbiyay gabadha, isagoo ku eedeynaya khiyaano, balse way beenisay. Si kastaba, maxkamadda ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo. Muuqaalka ay soo dhigtay barta Facebook, ayaa waxay ku eedeysay in xildhibaanka baarlamaanka ka tirsan uu awood u adeegsaday, waxayna iyada iyo saaxiibkeed magacaabeen dhowr qof oo booliiska ka tirsan iyo garsooraha, kuwaas oo ay sheegeen in ay xiriir la leeyihiin Ray. ""Waxaynu gaarnay halkii ay nala doonayeen, muddo sanad iyo bar ah ayay si adag uga shaqeeyeen in ay heerkan na gaarsiiyaan,"" ayay tiri gabadha. ""Maamulka ayaa nagu qasbayay in aan is dilno, tan iyo November 2020, waxaana dooneynaa in dhammaan dadka Uttar Pradesh iyo Hindiya ay warkan maqlaan,"" ayuu saaxiibkeed intaas raaciyay. Daqiiqado kahor, isaga iyo gabadha ayaa dab is qabadsiiyay, wuuxuna yiri, ""Tallaabadan aan hadda qaadeyno waa mid xanuun badan, argagax leh, waana amakaagsannahay, balse wax micno ah ma lahan."" Maamulka gobolka ayaa xiray labo sarkaal oo booliiska ka tirsan, waxayna baaritaan ku bilaabeen arrinta. Hindiya waxaa ka jiray kufsi iyo tacaddiyo haweenka loo geysanayay tan iyo sannadkii 2012, markaas oo gabadh 23 sano jir ah ay lix burcad ah ku dhex kufsadeen gaari dadweyne, gudaha caasimadda Delhi, maalmo kaddibna waxay u geeriyootay dhaawacii soo gaaray oo looga daweynayay isbitaalka. Dhacdadan ayaa caro ka abuurtay dunida, taas oo Hindiya ku qasabtay in ay la timaaddo shuruuc adag oo ka dhan ah kufsiga iyo tacaddiyada, maxkamadda ayaana dil ku xukuntay shan ka mid ahaa eedeysanayaasha, sannadkii la soo dhaafayna afar ka mid ah ayaa xukunka lagu fuliyay. Marka dhacdadan laga soo tago, heer kufsiga iyo dembiyada kale ee jinsiga ee dalkaasi hoos uma aysan dhicin, iyadoo dowladda ay diwaan gelisay ilaa 34,000 oo kiis oo kufsi ah, sannadkii 2018, ta soo la micno ah in 15-kii daqiiqaba uu kufsi dhaco. Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale sheegay in qofka la soo dacweeyo haddii uu saameyn leeyahay, magac amaba lacag ay taasi la micno tahay in dhibbanaha uu guul darreysanayo. Ma jirto meel kale oo Hindiya ka tirsan oo kiisaska ay ka badan yihiin oo la mid ah Uttar Pradesh. Geerida gabadha iyo saaxiibkeed ma ahan midkii ugu horreeyay ee sidan loo sameeyay. Gabadh kale ayaa isku dayday inay is gubto sannadkii 2018, sababo la xiriira booliiska oo ku guul darreystay in ay shaqadooda qabsadaan, ka dib kufsi ay ku eedeysay inuu u geystay Kuldeep Singer, oo ka tirsan baarlamaanka, xubinna ka ah xisbiga Bharatiya Janata. Singer ayaa dhowr bilood shaqada iska sii watay kaddib dacwada lagu oogay, isagoo adeegsanaya saameynta uu ku leeyahay deegaanka, waxaa ka dib la xiray aabbaha gabadha oo xabsi ku geeriyooday. Dowladaha gobollada ayaa cabashada gabadha u gudbiyay maxkamadda ka dib markii ay is gubtay, sannadkii 2019, maxakamad ku taalla Delhi, ayaa Singer ku eedeysay kufsi waxayna ku xukuntay xabsi daa'im. Dhacdo kalena, gabar ayaa is gubtay xilli ay dooneysay in ay dacwad ka gudbiso nin ay sheegtay in uu kufsaday, xaddiga gubashada jirkeeda ayaa gaaray 90%, saddex maalmood ka dibna isbitaalka ayay ku geeriyootay. Gobolka Uttar Pradesh ayaa sannadkii hore lagu cambaareeyay sida uu u maarreeyay kufsiga iyo dilka gabar 19 sano jir ahayd oo ay gobolkaasi ku dileen afar nin oo hantiile ah. Dhacdadan ayaa caro ka abuurtay caalamka, gaar ahaan markii qoyskeeda ay sheegeen in maamulka gobolka uu gubay meydka gabadha iyaga oo aan fasax ka heysan. Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in haddii ay Hindiya daacad ka tahay la dagaallanka dembiyada kufsiga, ay ku qasban tahay inay ciqaabto dembiilayaasha, iyadoo aan la eegeyn saameynta ay dembiilayaasha leeyihiin iyo qoysaska ay ka soo jeedaan." https://www.bbc.com/somali/war-58338557 +politics Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed? "Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasha rasmi ah ku maraya dalka Itoobiya ayaa wadahadal la yeeshay Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Xog laga helay xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegeysa wafdiga madaxweyne Xasan uu hoggaaminayey iney madaxda Itoobiya kulan laba geesoosd ah la qaateen. Madaxda labada dal wadahadalkooda waxay diiradda ku saareen ""iney ka go’an tahay sidi loo xoojin lahaa xiriirka labada dal. Iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xasillonida geeska Afrika oo ay iska kaashadaan labada dal muhiimadda ay u leedahay, "" ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska raysalw asaaraha Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dhankiisa wuxuu sheegay doorka ay Itoobiya ku lahayd taageeridda Soomaaliya iyo nafta ay u hurtay uu bogaadinayo. Xafiiska Madaxweynaha Soomaalya dhankiisa wuxuu sheegay iney madaxda labada dal ka wada hadleen ""sii xoojinta xiriirka labada dal ee drisnimada iyo walaaltinimada ku dhisan"", sida uu BBC-da u sheegay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya. “Raysal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa waaye sida xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee driska ah ee walaaltinimada ku dhisan loo sii xoojin lahaa labada dowladoodna ay isaga kaashan lahaayeen waxyaabaha iyaga saameynta ku leh,” ayuu yiri Cabdulqaadir Cali Dige,"" Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya. Raysal Wasaare Abiy Axmed wuxuu sheegay Itoobiya iney diyaar u tahay iney la shaqeyso maamulka cusub ee Soomaaliya gaar ahaanna dalkiisa uu ahmiyad gaar ah siinayo arrimaha la xiriira Kobaca Dhaqaalaha. Xafiiska Raysla wasaarahana wuxuu sheegay Abiy inuu ka dhawaajiyey Soomaaliya oo xoogeysato xasilooninan hesho ay la mid tahay Itoobiya oo xoogeysatay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bilooyin ka hor xilka kala wareegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo booqasha rasmi oo laba maalmood qaadanaeyso ayuu dalka Itoobiya ku marayaa. Tan iyo marki uu Xasan Sheekh xilka madaxtinimada uu la wareegay wuxuu booqasho ku soo maray waddamada gobolka oo ay ka mid yihiin Kenya, Jabuuti, Eritrea iyo waddama kale. Booqashada Madaxweyne Xasan Addis Ababa ku tagay oo ahayd mid in badan la sugayey madaxweynuhuna wuu sheegay qorshaha inuu ugu jiray inuu Itoobiya booqdo balse sababa kala duwan awgood ay ugu suuragelin. Itoobiya oo xad dheer la wadaagto dalka Soomaaliya oo aan xasilooneen waxay u dirtay ciidamo si ay qayb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ururka Al-Shabaab. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya oo intooda badan hoos yimaadda Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee AMISOM oo hadda la baxay ATMIS. Ururka Al-Shabaab oo xiriirka la leh Ururka Al-qaacida oo Koonfurta Soomaaliya sida weyn uga dhaqdhaqaaqa bilooyin ka hor wuxuu Itoobiya ku soo qaaday weerarki ugu horreeyey oo ay xadka labada dal ka geystaan." https://www.bbc.com/somali/articles/c804nxxv1qzo +politics Sawirka budadka uu shiinaha u isticmaalay dagaalkii Xuduuda Hidniya oo la shaaciyay "Sawir muujnaya budad sida la sheegay ay isticmaaleen ciidamada Shiinaha dagaalkii iyaga Hindiya Isniintii ku dhexmaray soohdinta uu muranka ka taagan-yahay ee u dhaxeeysa labad dal ayaa la baraha bulshada lagu baahiyay. Dagaalkan ka dhashay muranka dhanka xadka ee ugu muddada dheeraa dunida kaas oo socday ku dhawaad nus qarni ayaa horseeday in la dilo 20 ka mid ah ciidammada Hindiya, Hindiya waxay sheegtay in labada dhinacba uu khasaare soo gaaray. Shiinaha isagu dhankiisa ma uusan sheegin wax khasaaro ah oo ciidamadiisa soo gaaray, labada dhinac ayaana midba mid kale ku eedeeyay inuu ka dambeeyo dagaalka. Sawirka oo maanta soo shaacbaxay ayaa muuinaya hub-fudud oo u muuqday in laga sameeyay biraha loo isticmaalo dhismaha oo lagu laray masaamiir. Sawirka ayaa waxaa BBC-da soo gaarsiiyay sarkaal milatari oo ku sugan xadka u dhaxeeya Shiinaha iyo Hindiya. Markii hore waxaa sawirka barta Twitter-ka ku baahiyay Ajai Shukla oo ah khabiir ka fallooda arrimaha gaashaandhiga, waxa uuna isticmaalka hubkaasi ku tilmaamay ''dhaqan cadawtinima ah'' 1996-dii ayaa waxaa lagu heshiiyay in hub nooca uu doonaba ha ahaadee laga mamnuuco agga lagu muran-sanyahay si xaaladda loo dejiyo. ""Mar haddii ay sii socoto dhibaatada, waxay horseeday in xaaladda ay ku cakirnaato labada dhinac, hadda waxaa sare u kacaya cadaadiska ka imaanaya shacabka"", waxaa sidaas yiri Dr Narang, oo ka faalooda arrimaha amniga ahna barfesoor wax ka dhiga macadka Massachusetts ee dalka Mareykanka. Sawirka ayaa waxaa aad looga hadal-haya baraha ay bulshada ku wada xiriirto, balse ilaa ahaatan ma ay jiraan saraakiil labada dhinac ah oo ka hadashay arrintani. Labada dhinac ayaa xiisad dhanka xadka ah ka dhaxeysay toddobaadyadii ugu dambeeyay, balse dagaalkan Isniinti dhacay ayaa ah kii ugu horreyay ee ay dad ku dhintaan ku dhawaad muddo 45 sanno ah. Warar aan la xaqiijin oo ay warbaahinta Hindiya soo tabisay ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 askari oo ka tirsan ciidamada Shiinaha ay dagaalkaasi ku naf-waayeen balse Shiinuhu weli ma soo saarin warbixin ku aaddan khasaaraha soo gaaray. Iskahorimaadka ayaa yimid, kadib markii bilihii la soo dhaafay ay xiisado ka dhasheen waddo cusub oo Hindiya laga dhisay oo ku taalla magaalada Ladakh, iyada oo la raacayo Khadka Tooska ah ee kala qaybiya labada dhinac ee xuduudda. Mr Menon oo horey u ahaan jiray safiirka Hindiya ee Shiinaha ayaa sheegaya in Shiinaha uu bilaabay dhaqdhaqaaqyo xoojinta qaranimadiisa maadama uu la daalaa dhacayo dhibaatoyiin dhaqaale iyo arrimo kale oo gudaha ah. ""Waxaad arkeysaa tallaabooyinkiisa ku aadan badda Yellow Sea ee Taiwan, waxaa uu meel mariyay sharci isaga oo aanan la tashan Hong Kong, muranka xadka kala dhexeeyo Hinidiya iyo dagaalka ganacsi ee kala dhexeeyo Australia"". Tafatiraha jariiradda The Economist waxaa uu rumeysan yahay in cawaaqib xumada ka dhalan karta dagaalka Isniintii dhexmaray ciidammada Shiinaha iyo kuwo Hindiya ""ay horseedi doonto xiisad dblumaasiyadeed oo muddo dheer socon karta."" Wararka waxay sheegayaan in horraantii bishii May, ciidammada Shiinaha ay fariisimo ka sameysteen gudaha dhulka buuraleyda Galwan oo ay Hindiya sheegatay in dhulkaas ay iyadu leedahay. Labadan dal ee heysta Nukliyerka waxaa ka dhexeeyay taarikh dheer oo ah khilaaf dhanka xadka ah kaas oo in muddo ah soo jiitamayay. Marka howlagallada ay ka sameeyaan ciidammada Shiinaha iyo Hindiya ayaa horseeday isku dhacyo joogto ah balse la iskuma adeegsan wax rasaas ah muddo ka badan 40 sanno." https://www.bbc.com/somali/war-53096125 +politics Afghanistan: Turjumaannadii ay ciidamada Britain uga tageen Afghanistan oo arrin ay sugayeen loo sameeyay "Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal si degdeg ah dib u dejin loogu sameynayo boqollaal qof oo Afghanistan u dhashay, kuwaas oo la soo shaqeeyay militariga Britain iyo dowladdooda, badankoodna waxay ahaayeen tarjumaanno. In ka badan 3,000 oo Afghanistan u dhashay iyo qoysaskooda ayaa la filayaa in loo oggolaado in ay ku noolaadaan UK, iyadoo ay hore dalkaasi u joogeen illaa 1,300 oo kale. Go'aankan ayaa imaanaya xilli loo baqayo ammaankooda maaddaama ciidamada caalamiga ah ay isku diyaarinayaan in ay isaa baxaan dalkaas. Xoghayaha Difaaca UK, Ben Wallace, ayaa sheegay inay ""sax tahay"" in la dedejiyo qorshooyiinka. Wuxuu intaas ku daray in dadka dib u dejinta loo sameynayo ay yihiin kuwa khatarta kala kulmaya kooxda. Arrinta ayaa ahayd walaac taagan, tan iyo markii ciidamada Britain ay soo afjareen howlgallo ay ka wadeen gobolka Helmand, sannadkii 2014. Markii hore waxaa adkaa shuruudaha lagu xiray cidda codsan karta in ay nolol cusub ka bilowdo UK. Tusaale ahaan, waxaa muhiimadda la siinayay turjumaannada muddo ka badan sanad la soo shaqeeyay ciidamada Britain ee safka hore ee gobolka Helmand. Balse sida ay qabto siyaasadda dowladda cusub, shaqaale walba oo hadda la shaqeeya amaba hore ula shaqeyn jiray ciidamada Britain, isla markaana ay noloshooda khatar amni ku jirto, ayaa loo oggolaan doonaa inay degaan UK. Weli ma cadda tirada dadka Afghanistan u dhashay ee dib u dejinta looga sameyn doono Briatin, balse dowladda ayaa sheegtay in ay rajeyneyso in inka badan 3,000 loo sameeyo dib u dejinta. Mr Wallace ayaa BBC-da u sheegay in ""iyadoo ciidamada galbeedka ay isaga baxayaan Afghanistan, ay sii kordheyso khatarta, ay ka mid tahay weerarrada qorsheysan ee ka imaanaya Taliban"". Wuxuu sheegay in dadkii la soo shaqeeyay Britain ay ""wax badan u hureen UK, lana joogo waqtigii loo abaal gudi lahaa"". Bilowgii sannadkan, waxaa Afghanistan ku sugnaa illaa 750 ciidamada UK ah - kuwaas oo badankooda sugayay ammaanka caasimadda Kabul. Ka bixitaanka ciidamadaas ayaa hadda socota kaddib go'aankii Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ee ciidamada Mareykanka looga saarayo dalkaas. Ciidamada NATO ayaa iyaguna oggolaaday in ay sidaas sameeyaan, inkastoo saraakiisha difaaca Britain ay niyadjab ka muujiyeen go'aankaas. Mareykanka oo isaguna shaqaaleysiiyay dad badan oo Afghanistan u dhashay, ayaa la sheegyaa inuu ka shaqeynayo tallaabo taas la mid ah. Dib u dejinta boqollaalka u dhashay Afghanistan loogu sameynayo UK, waxaa ka dhalan karo caqabado. Dowladda ayaa ka fekeri doonta qaab ay si ammaan ah ula soo dhoofi karaan ciidamada Britain ee weli dalkaas ku harsan. Dowladda ayaa sidoo kale maamullada gudaha kala shaqeyn doonta halka la dejin doono qoysaskaas." https://www.bbc.com/somali/war-57303556 +politics Hoggaamiyihii ugu dambeeyey ee Midowga Soofiyeeti oo geeriyooday "Hoggaamiyihii hore ee Midowgii Soofiyeet Mikhail Gorbachev, oo sabab u ahaa inuu soo dhammaado dagaalkii qaboobaa ayaa geeriyooday isaga oo da’diisa ahayd 91 jir. Gorbachev oo talada Midowgii Soofiyeet la wareegay 1985-kii ayaa waddo cusub u furay xiriirka uu Midowgii Soofiyeti la lahaa caalamka intiisa kale isaga oo isbeddallo baddanna gudaha dalkaasi ka sameeyey. Hase yeeshee wuxuu ka hortagi waayey burburka ku yimid Midowgii Soofiyeet ee horseedday inuu sameysmo Ruuhska casriga ah ee maanta. Hoggaamiyeyaasha caalamka qaarkood ayaa si weyn u ammaanay hoggaamiyihii Midowga Soofiyeet ee geeriyooday Michael Gorbachev. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku tilmaamay Gorbachev inuu yahay ""mid taariikhda si weyn wax uga baddelay.” “Mikhail Gorbachev waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha hal abuurka hoggaamineed leh oo dunida soo maray,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonny Gutteres oo farriin soo dhigay bartiisa Twitterka . “Dunida waxay weyday hoggaamiye weyn, oo go’aankiisu adkaa nabaddana si weyn ugu ololeyay,” ayuu Gutteres sii raaciyey. Shaqaalaha isbitaalka uu Gorbachev ku geeriyooday waxay sheegeen in uu la tacaalayey xannuun daran oo muddo dheer soo hayey. Waxay sheegeen muddooyinkii dmabe xaaladdiisa caafimaad iney ahayd mid aad u sii liidaneysay. Bishii June warbaahinta caalamka waxay baahisay in Gorbachev xanuun kelliyaha kala soo darsay awgeed in isbitaal la dhigay inkasta oo weli la shaacin sababta geeridiidsa keentay. Wakaaladda wararka ee Reuters waxay sheegtay Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin inuu tacsiyeeyay geerida ku timid Gorbachev, sida uu afhayeenka madaxweyne Putin Dmitry Peskov uu u shegay wakaaladda wararka ee Ruushka ee Interfex. Madaxweynaha Midowga Yurub Ursula von der Leyen waxay Gorbachev ku tilmaantay inuu ahaa ‘Hoggaamiye muxtaram ah kalsooni bandanna lagu qabay oo albaab cusub u furay xornimada qaaradda Yurub. Doorkii uu nabadda ku lahaana aan marnaba la illaaweyn.” Ra’isal wasaaraha UK Boris Johnson wuxuu Gorbachev ku tilmaamay nin kullansaday “geesinimo iyo daacadnimo.” Gorbachev wuxuu soo noqday xoghayaha guud ee Xisbiga Hantiwadaaga ee Soofiyeeti isaga oo 1985-kina noqday hoggaamiyaha dalkaasi. Siyaasadiisa oo ahayd mid ku saleysan furfurnaan wuxuu markii ugu horreysay muwaaddiniinta dalka Ruushka u oggolaaday iney dowladda dhaliilaan. Waxyaabaha sida weyn loogu xusuustana waxaa ka mid ah xakameynta hubka, soo afjaridda dagalkii qaboobaa iyo faragelinta uu bariga Yurub ku hayey Midowga Soofiyeet oo uu joojiyey. madaxweynihii hore ee mareykanka, Ronald Reagan iyo Mikhail Gorbachev ayaa 1987-kii saxiixay heshiis lagu xakameynayo gantaalaha riddada-dhex ee Nukliyeerka. 1990-kina Gorbachev waxaa la guddoonsiiyey abaalmarinta nabada ee caalamiga ah oo loo yaqaanno Nobel Peace Prize, abaalmarintaasi oo uu ku muteystay furfurnaanta siyaasadeed uu la yimid iyo sida uuu soo afjaray dagaalkii qaboobaa. Laakiin dad badan oo Ruush ah ayaan waligood Gorbachov ka cafiyin qalalaasihii horseeday burburkii Midowgii Soofiyeeti (USSR). Mikhail Gorbachev ayaa lagu aasi doonaa qabuuraha Novodevichy ee magaalada Moscow, oo ah halka lagu aaso dad badan oo caan ah oo Ruush ah, waxaana lagu barbar aasayaa xaaskiisa Raisa oo u geeriyootay cudurka leukemia 1999-kii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Tass." https://www.bbc.com/somali/articles/c72e411rnw6o +politics Nelson Mandela: Wasiir sheegay in furaha qolkii uu ku xirnaan jiray Mandela dib loogu soo celinayo Koonfur Afrika "Furaha qolka xabsiga Robben Island ee mar uu ku xirnaan jiray Nelson Mandela ayaa lagu wadaa in dib loogu celiyo Koonfur Afrika halkii lagu xaraashi lahaa gudaha waddanka Mareykanka, waxaa sidaasi sheegay wasiir. Xaraashka ayaa lagu waday inuu 28-ka bishan Janaayo ka dhaco magaalada New York illaa markii dambe wasiirka Dhaqanka ee Koonfur Afrika, Nathi Mthethwa uu arrintaasi ka soo horjeestay. ""Furahana waxaa iska leh dadka Koonfur Afrika,"" ayuu yiri. Mandela ayaa 27 sanadood xabsi ugu jiray ololihiisii uu ku doonayay in lagu soo afjaro xukunkii caddaankii laga tirada badnaa. Sideed iyo toban sanadood oo sanadahaasi ka mid ah waxa uu ku qaatay Xabsiga Robben Island, oo ku yaal jasiirad ku taal meel ka baxsan magaalada Cape Town. 1994, ayuu Mandela noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee ay Koonfur Afrika yeelato kaddib markii dalkaasi lagu qabtay doorashooyinkii ugu horreeyay ee dimuqraadi ah, illaa iyo haatanna waa halyey qaran. Mr Mthethwa ayaa sheegay in guriga wax lagu xaraasho ee Guernsey uu ogolaaday in furaha dib loogu celiyo waddanka Koofur Afrika, sidoo kalana la hakiyo iibinta waxyaabaha kale ee uu lahaa Mandela. Waxyaabahaas waxaa ka mid ah farshaxantii rasmiga ahaa ee Mandela ee The Lighthouse, Robben Island, iyo sidoo kale baaskiilkii uu ku jimicsan jiray ee loo ogolaa inuu isticmaalo iyo gacanka lagu dheelo teeniska oo uu xabsiga lahaa. ""Furuhu waxa uu astaan u yahay taariikhda xanuunka badan ee Koonfur Afrika , sidoo kale waxa uu u taagan yahay guusha ruuxda bini'aadamka ay ka gaartay shaydaanka,"" ayuu Mr Mthethwa ku yiri bayaan uu soo saaray. Waxaa furahaasi doonayay inuu xaraasho Christo Brand, oo hore ilaalo uga ahaan jiray xabsigii adkaa ee uu ku jiri jiray Mandela. Labada nin ayaa noqday saaxiibo aad isugu wanaagsan. Xaraashka ayaa la doonayay in lacag loogu aruuriyo sidii loo samayn lahaa beer lagu xasuusto iyo matxaf laga dhiso meel u dhaw goobta uu Mandela ku aasan yahay. Mandela ayaa xabsiga laga sii daayay 1990 xilli Koonfur Afrika ay bilowday inay ka baxdo nidaamkii adkaa ee midab kala sooca. Hal muddo xileed ayuu ahaa madaxweyne oo waxa uu xilka ka dagay 1999. Waxa uu geeriyooday 2013 isagoo ay da'diisu aheyd 95 sanadood." https://www.bbc.com/somali/war-59917671 +politics Shan arimood oo ku saabsan sida uu Cali Xarbi u dilay xildhibaankii UK "Cali Xarbi Cali oo 26 jir ah ayaa shalay lagu helay dilka xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK oo lagu magacaabo Sir David Amess. Xildhibaanka oo laga soo doortay deegaanka Southend West ee magaalada London ayaa 20 jeer toorrey la geliyay 15-kii October 2021. Xeerbeegtidii qaadeysay dacwadda Cali ayaa waxay keliya ku qaadatay 18 daqiiqo iyagoo sidoo kale xukmiyay inuu qorsheynayay falal argagixiso. Cali oo ka soo jeeda Magaalada Kentish, waqooyiga London, hayaa hore u beeniyay eedeymahaas wuxuuna sheegay in sababta uu u beegsaday xildhibaanka ay tahay inuu u codeeyay duqeymihii Suuriya. ""Haddii ay ii muuqatay in falkaas uu khalad yahay, ma ba samayn lahayn,"" ayuu yiri Cali oo beeniyay in falkaas uu ahaa argagixisannimo. ""Isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan ka hijroon waayay dhulkan, waxaan go'aansaday in aan si kale ugu gargaaro Muslimiinta,"" ayuu ka hor sheegay xeer beegti kiiskiisa dhagaysanayso. Mar la weydiiyay waxa dilka xildhibaanka ay xaaladda ka bedali karto, ayaa Cali waxa uu ku jawaabay ""hadda ma uu coddeyn karoo o codkiisa kuma dhibi karo Muslimiinta, waana farriinta aan u dirayo saaxiibbadii."" Eedeysanaha ayaa tilmaamay in arrinta kale ee uu u beegsaday xildhibaanka ay tahay xubinnimadiisa saaxiibbada Israa'iil ee xisbiga Conservative-ga. Mar la weydiiyay inuu yahay Muslim xagjir ah, ayaa waxa uu ku jawaabay ""waxaan ahay Muslim qunyar socod ah"". Cali ayaa telefoonka kula hadlayay walaashiis - oo u muuqatay ""mid naxsan"" - ayaa la maqli karay iyadoo isaga ku qeylineysa, sida loo sheegay xeerbeegtida. Cali ayaa ku guuleystay inuu la ballamo xidlhibaanka isagoo xafiiskiisa ku qanciyay inuu ka shaqeeyo caafimaadka uuna u soo guurayo deegaankaas, isla markaaa uu rabo inuu xildhibaanka kala sheekeysto arrimaha gudaha. Cali ayaa muddo ku kaliyoobay xildhibaanka, taas oo ah nidaam loo ogolyahay xildhibaanada in ay ku qaabilaan dadka codbixiyeyaasha ah. Ninkan oo jaamacadda isaga baxay isagoo aan dhammeysan ayaa ka soo safray magaaladiisa Kentish, waqooyiga London,wuxuuna soo aaday Kaniisadda Belfairs Methodist Church oo ku taalla xaafadda Leigh-on-Sea, halkaas oo uu xildhibaanku kula hadlayay bulshada. Kalkaalisada xildhibaanka oo lagu magacaabo Rebecca Hayton ayaa sheegtay in Cali uu u muuqday mid ""deggan oo furfuran"" markii uu xildhibaanka la kumayay. Waxay sheegtay in wada sheekeysi dheer oo arrimaha siyaasadda ku saabsna kaddib, uu Cali istaagay isagoo leh ""waan ka xumahay"", wuxuu dharkiisa kala soo baxay toorrey, xildhibaanka ayuuna ""toos caloosha""uga geliyay. ""Sir David wuu cabaaday,"" ayuu dacwad-ooge Tom Little QC u sheegay maxkamadda. ""Mar kale ayuu toorreyda ku dhufta. Dabcan, dhowr jeer ayuu geliyay."" Kaddib markii Cali uu ka hor yimid nin aan hubeysneyn oo kulan la lahaa Sir David, wuxuu u sheegay inuu doonayay inay toogtaan booliiska sidaasna uu ku noqdo ""shahiid"". Cali ayaa sheegtay inuu xiiseynayo inuu wax ka ogaado kaniisadaha iyo diinta Kirishtaanka kahor inta uusan dilin David Amess, sida maxkamadda loo sheegay. Xeerbeegtida ayaa loo sheegay in Cali uu iska dhigay Kirishtaan doonaya inuu deegaankaas usoo guuro si ay ugu suurto gasho inuu kulan la qaato Amess. Wuxuu xafiiska xildhibaanka u soo diray email, wuxuuna yiri: ""Waxaan doonayay inaan deegaanka u soo guuro oo aan barto xildhibaankeyga mustaqbalka. Maaddaama aan ka shaqeeyo daryeelka caafimaadka, waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado qorshooyinkiisa, haddiiba ay jiraan, ee isbitaalka iyo shaqaalaha. Wuxuu intaa raaciyay: ""Sidoo kale, aniga oo ah qof daneynaya Kirishtaannimada, waxaan arkay kaniisado badan oo xaafaddeyda ku yaalla inaysan dad badan imaan, waxayna halis ugu jiraan in la burburiyo. Waxaan doonayay inaan ogaado in xaaladda Southend ay la mid tahay, haddii ay jirtana, waa maxay xalku."" Ayuu ku yiri farriintiisa. Inta lagu guda jiray dhageysiga dacwadda ayaa xeerbeegtidu waxa ay dhageysteen sida uu u diyaarinayay weeraro qorshaysaan oo ka dhan xildhibaano kale, oo uu ku jiro wasiir Michael Gove kaas oo uu rumaysnaa Cali ""in uu dhibaato ku yahay muslimiinta"". Maxkamadda ayaa sidoo kale dhagaysatay in eedeysanaha ay ka go'need in uu qaado weerar uuna sahansaday xafiiska xildhibaan Finchley, Mike Freer, isaga oo baaritaan online ah ku sameeyay xildhibaano kale oo uu ku jiro hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha Sir Keir Stamer. Maxkamadda ayaa horraan u dhegaysatay in eedaysane Cali uu qorsheynayay inuu beegsado wasiirka dowladaha hoose ee UK, Michael Gove. ""Waxaan rumaysanahay inuu [Michael Gove] dhibaato badan u geystay Muslimiinta,"" ayuu Cali u sheegay xeer beegtida. Waxa uu aad u doonayay inuu ku biiro ururka isku magacaabay dowladda Islaamka, oo uu rabay inuu Suuriya u safro mudadii u dhexaysay 2015 iyo 2017, balse ay taa ku adkaatay. Waxa uu go'aansaday dilka xildhibaan David kadib arkii uu twitter ka ogaaday in uu qabanayo shir. Waxa uu garnaqsigiisa ku soo afjaray inuu filayo in dilka xildhibaan Sir David ay cashar u noqon doonto xildhibaannada kale, isla markaana ""ay joojin doonaan colaadda ka dhanka ah Muslimiinta"". Kaddib weerarka, Cali ayaa sheegay inuu doonayay in ""xildhibaan walba oo saxiixay duqeyntii Suuriya, isla markaana oggolaaday dagaalkii Ciraaq, uu dhinto"". ""Waxaan u sameeyay Suuriya darteed,"" ayuu yiri Cali. ""Waxaan u sameeyay dadka aan waxba galabsan dartood. Waxaan u sameeyay duqeynta darteed. Wuu mudnaa inuu dhinto."" Wuxuu intaa raaciyay: ""Wuxuu ahaa dil uu fuliyay nin dhalinyaro ah oo sanado badan qorsheynayay weerar uun, isla markaana ahaa haddana ah argagixiso xagjir ah."" Cali wuxuu ku dhashay London kaddib markii qoyskiisa ay ka soo guureen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya sanadihii 1990-meeyadii, sida la qiyaasayo. Aabbihiis, Xarbi Cali Kulane, wuxuu hore u ahaa agaasimaha xiriirka ee xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Cali ayaa dugsi sare ka dhigtay xaafadda Croydon, koofurta London, aa ayuuna ugu firfircoonaa shantii sano ee ugu horreysay. Si kastaba, tegitaankiisii iskuulka iyo dadaalkiisiiba ayaahoos u dhacay markii dambe mana uusna keeneyn natiijadii la filayay. Cali ayaa sheegay in markii uu ogaaday dagaalkii Suuriya ay taas ku dhiirrogelisay in waxyaabaha argagixisada la xiriira uu ka baaro online-ka sanadkii 2014. Wuxuu kaddib galay Jaamacadda City oo uu ka baranayay raajada balse wuu isaga baxay sanadkii 2016 isagoo ku sheegay ""sababo qof ahaaneed"", sida laga soo xigtay jaamacadda." https://www.bbc.com/somali/war-61069659 +politics Soomaalida iyo South Afrika: Waa imisa Tirada Soomaalida ku dhimatay rabshadaha Koonfur Afrika? "Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ugu baaqay dadka in ay is dejiyaan ""kana hortagaan rabshadaha"", iyada oo laga jawaabayo qalalaasaha ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhashay xariga Madaxweynihii hore, Jacob Zuma. Ugu yaraan lix qof ayaa la dilay ku dhowaad 500-na waa la xiray tan iyo markii Zuma uu booliska isku dhiibay, Isbuucii hore. Waxaa la dhacay Dukaamo halka dhismooyiin dab la qabadsiiyay. Ciidamada ayaa la geeyay gobolka Gauteng, iyo gobolka uu ka soo jeedo Zuma ee KwaZulu-Natal. Zuma waxaa lagu xukumay amar-diido maxkamadeed ka dib markii uu ka soo qeyb gali waayey baaritaanka la xiriiro dacwada musuqmaasuqa ee loo haysto ee dhacay intii uu madaxweynaha ahaa. 79 jirkan oo isagu diiday eedeymaha musuqmaasuqa ayaa lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ah. Wuxuu rajeenayaa in xukunka ay laasho ama ay yareyso maxkamada dastuuriga ah ee wadankaasi. Si kastaba ha noqotee, khubarada sharciga ayaa sheegaya in fursadihiisa guusha ay aad u yar yihiin. Waxaa jira warar sheegaya in ilaa afar qof oo Soomaali ah lagu dilay qeybo ka tirsan gobolka Kwa-zulu Natal ee ay ka socdaan dibadbaxyada rabshadaha wata. Waxaa sidoo kale dhac iyo boob loo geystay hanti ay leeyihiin dad Soomaali ah. Cabdullaahi Macow Cawaale, oo ku nool Durban, gobolka Kwa-Zulu Natal ayaa BBC u sheegay in ilaa iyo imika tirada Soomaalida ee dhimatay ee la xaqiijiyay ay gaareyso afar qof. ""Dhimashado waa 4; labo magaaladan ah oo aan anigu wax ka soo qaaday oo aan geeyay meesha meydadka la dhigo iyo labo 185KM magaalo ii jirta ku geeriyootay,"" ayuu yiri Cabdulahi. Cabdulahi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah dilkooda loo adeegsaday rasaas oo meydadka ay soo qaadeen ay xabado ku yaaleen. ""Rasaas aad u badan ayaa ku dhacda nimanka dhalinyarada ah mid madaxa ayay xabaduhu uga dhaceen midna madaxa iy lugaha oo dhan way jajabnaayeen,"" ayuu yiri. Qalalaasaha oo markii hore ku bilaabmay mudaaharaadyo looga soo horjeedo xarigga Zuma, wuxuu markii dambe isu rogay rabshado iyo boob." https://www.bbc.com/somali/war-57815791 +politics "Boris Johnson: Go'aankii maxkamadda UK waa ""middi uus ku tagtay""" "Go'aankii Boris Johnson ee ahaa in uu shan isbuuc hakiyo shaqada baarlamaanka UK waa sharci darro, sida ay xukuntay maxkamadda ugu sareysa. Mr Johnson, ra'iisul wasaaraha Britain ayaa horraantii bishan kala diray baarlamaanka, balse maxkamadda waxay sheegtay in ay khalad ahayd in xildhibaannada laga hor istaagay in ay shaqadooda gutaan xilli laga doodayo Brexit oo kama dambeys ay tahay 31-da bisha October. Madaxweynaha maxkamadda sare ee UK, Lady Hale waxay tiri ""saameynta aasaaska dimuquraadiyadda waa arrin wayn."" Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha wuxuu sheegay ""in weli ay qiimeynayaan go'aanka maxkamadda"". Mr Johnson wuxuu ku dooday in uu doonayay in hakinta baarlamaanka ay billaabato ka hor khudbada boqoradda si uu u dejiyo siyaasadaha cusub ee dowladdiisa. Balse dadka dhalleeceeya waxay sheegayaan in uu doonayay in baarlamaanka uu ka hor istaago in ay su'aalo adag ka keenaa qorshihiisa Britain ay uga bexeyso midowga Yurub. Koox xildhibaanno ah ayaa hadda ku baaqaya in Ra'iisul Wasaaraha uu iscasilo, baarlamaankana uu si degdeg ah shaqadiisa u billaabo. Hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha, Jeremy Corbyn, wuxuu sheegay in go'aanka maxkamadda uu muujiyay in Boris Johnson ""uusan jecleyn dimuquraadiyadda"", isagoo intaa ku daray ""Waxaan Boris ku casuumayaa, hadallada taariikhiga ah, in uu ka fiirsado go'aankiisa"". Iyadoo gebagebeyneysay guddoonka, madaxweynaha maxkamadda sare, Lady Hale, waxay tiri: ""Go'aanka ah in Boqoradda lagula taliyay hakinta howsha baarlamaanka inuu ahaa mid sharci darro ah sababtoo ah wuxuu lahaa saameynta ah jahwareerinta ama ka hortagga awoodda baarlamaanka ee ah inuu guto shaqadiisa dastuuriga ah iyadoo cudurdaar rasmi aan loo hayn"". Lady Hale waxay sheegtay in go'aanka ay isku raaceen dhammaan 11-ka garsoore ee maxkamadda in uu yahay mid muujinaya in baarlamaanka shaqadiisa aysan hakad ku jirin - go'aankii (Boris) waa waxba kama jiraan, mana shaqeynayo - waxayna u taallaa guddoomiyayaasha aqalka baarlamaanka iyo midka Lords-ka, in ay go'aan sadaan waxa xiga ee ay sameynayaan. Guddoomiyaha Aqalka Baarlamaanka, John Bercow wuxuu soo dhoweeyay xukunka wuxuuna sheegay ""in howsha ay si degdeg ah u billaabaneyso, dib u dhac la'aan"", wuxuu intaa ku daray in uu la tashan doono hoggaamiyayaasha axsaabta siyaasadda ""sida ugu dhaqsaha badan."" Wow! Tani waa sharci, dastuuri iyo fashil siyaasadeed. Waxaa fiican in laga fiirsado, lana eego in ra'iisul wasaaraha Boqortooyada UK ay maxkamad ugu sareysa ku heshay inuu u dhaqmay si sharci darro ah oo uu ku joojiyay shaqada baarlamaanka oo ah hay'ad madaxbannaan marka dastuurka Britain loo eego, xilli qalalaasah heer qaran ah uu jiro. Waxaa suuragal ah in maxkamadda ay ku dhowaatay in ay dhahdo Boris Johnson wuxuu lahaa ujeedo boqornimo oo ah qasidda iyo jahwareerinta su'aalaha adag ee baarlamaanka, balse middida way ku tagtay caloosha. Waxaa lagu helay inuu si sharciga aan waafaqsaneyn u dhaqmay uuna baarlamaanka ka hor istaagay in uu shaqadiisa qabsado isagoo aanan hayn wax sharci ah ee uu u cuskaday. Waxayna maxkamadda burisay taladii uu siiyay boqoradda iyo amarka Golaha kaas oo si rasmiga u hakiyay baarlamaanka. Taas micneheedu wuxuu yahay in baarlamaanka aan marna shaqada laga joojin, waxaana qiyaaseynaa in xildhibaannada ay u fasaxan yihiin in ay galaan aqalka Baarlamaanka ee loo garanayo House of Commons. Kani waa tusaalaha ugu cajiibsan oo ka yimid Garsoorayaal madaxbannaan, kuwaas oo dib u eega howlaha farsamo ee garsoorka, iyadoo dowladda laga joojinayo dariiqii ay ku socotay sababtoo ah wixii la sameeyay waa sharcidaro. Xil kaste oo aad hayso, sharciga ayaa kaa sarreeya - xitaa haddii aad tahay ra'iisul wasaaraha. Waa arrin aan caadi ahayn oo horey aan u dhicin, oo guul ah - way adag tahay in si xad dhaaf ah loo qiyaaso muhiimadda dastuuriga iyo siyaasadeed ee uu leeyahay go'aankii maanta. Go'aanka maxkamadda waxaa lagu saleeyay dhageysiga doodda labada dhinac oo socotay seddax maalmood, isbuucii la soo dhaafay - waxay ku saleysneyd laba racfaan oo mid ay gudbisay haweeney ganacsato ah, arrimahanna u ololeysay, Gina Miller iyo mid ay dowladda gudbisay. Mrs Miller waxay racfaanka ka qaadatay go'aankii maxkamadda England ee ahaa in hakinta baarlamaanka uu yahay ""mid siyaasadeed"" uusanna ahayn shaqada maxkamadda. Dowladda waxay racfaanka ka qaadatay go'aanka maxkamadda Scotland ee ahaa in hakinta shaqada baarlamaanka ay ahayd ""sharci darro"" loona adeegsaday ""carqaladeynta"" baarlamaanka. Maxkamadda ugu sareysay waxay xukunka u riday sidii ay rabtay Mrs Miller, taas oo micneheedu yahay in dowladda laga guuleystay. Iyadoo ka hadleysay maxkamadda bannaankeeda, Mrs Miller waxay sheegtay in ""xukunka uu muujiyay mugga uu leeyahay"". ""Ra'iisul Wasaarahan waa inuu furo iridada baarlamaanka beri. Xildhibaannada waa in ay geesinimo muujiyaan ayna la xisaabtamaan dowladdan fadhiidka ah,"" ayey hadalka ku dartay. Hoggaamiyaha xisbiga SNP Joanna Cherry, oo hoggaamineysay kiiska Scotland, waxay Mr Johnson ugu baaqday in uu iscaslo isagoo eegaya xukunka maxkamadda. ""Maxkamadda ugu sareysay ee boqortooyada ayaa si aan loo kala harin u ogaatay in taladiisa ah hakinta baarlamaanka, taladii uu siiyay boqoradda, in ay ahaayeen sharci darro,"" ayey tiri. ""Xilkiisa waa mid aan la dhayilsan karin, waana in uu maskax yeesho, hal arrin isagoo sameynaya, oo ah waxa wanaagsan iyo inuu iscasilo." https://www.bbc.com/somali/war-49767795 +politics Doorashada Mareykanka 2020: Nin ay aad isugu dhawyihiin Trump oo ugu baaqay inuu aqbalo in loogaga adkaaday codbixintii Mareykanka "Mid ka mid ah shakhsiyaadkii muhiimka ah ee aadka ugu dhaw Donald Trump ayaa waxa uu ku boorriyey in uu iska dhaafo dedaallada uu ku doonayo in uu u qiil dayo guuldarrada uu kala kulmay doorashada madaxtinnimada Mareykanka ee uu ku guulaystay Joe Biden. Barasaabkii hore ee New Jersey, Chris Christie, ayaa waxa uu habdhaqanka kooxda sharciga ee madaxweynaha ku tilmaamay ""fadeexad qaran"". Madaxweyne Donald Trump ayaa waxa uu diiday inuu aqbalo in loogaga adkaaday doorashada, isagoo so jeediyay eedo ah inay jireen wax isdabamarin baahsan oo dhanka doorashada ah arrintaas oo uusan wax caddayn ah u keenin. Jamhuuriyiin badan ayaa waxa ay madaxweynaha ku taageereen dedaalkiisa dhanka sharciga hasayeeshee koox yar oo haatan sii badanaysa ayaa arrintaas ka horyimid. Sabtidii ayey aheyd markii Mr Trump uu gobolka Pennsylvania kala kulmay war aanan farxadgelin, kaddib markii xaakim uu daaqadda ka tuuray dedaal sharci oo ay wadday kooxda u ololaysa Trump kuwaas oo doonayay in la laalo codadka malaayiin qof oo lagu soo diray dhanka boostada. Garsoore Matthew Brann ayaa sheegay in maxkamaddiisa la soo gaarsiiyay ""dodo sharci oo adag balse caddeymaha la soo dhigay ay ahaayeen kuwo aan xoogganeyn oo mala awaal u badnaa"". Go'aankan maxkamadda ayaa waxa ay waddada u xaareysaa in gobolka Pennsylvania gelinka dambe ee Isniinta lagaga dhawaaqo guusha inay raacday Mr Biden oo ah madaxweynaha la doortay ee Xisbiga Dimuqraadiga uu gobolkaas ku hoggaaminayo in ka badan 80,000 oo cod. Sikastaba xaalku ha ahaadee, ololaha Trump ayaa waxa ay racfaan ka qaadanayaan go'aankaas maxkamadda. Mr Biden ayaa la saadaaliyey in Madaxweyne Trump uu kaga guuleysanayo 306 cod oo codadka golaha doorashada ah - tiradaas oo ka sarraysa 270-ka cod ee loo baahnaa, halka Trump-na la saadaaliyay inuu helay 232. Mr Christie, barasaabkii hore ee New Jersey, oo Axaddii la hadlayay barnaamijka This Week ee warbaahinta ABC ayaa sheegay: ""Xaqiiqdi habdhaqanka kooxda sharciga ee madaxweynaha waa ceeb qaran"". Wuxuu sheegay in kooxda Trump ay inta badan ka hadlaan musuqmaasuqa doorashada ""markii ay bannaanka maxkamadda joogaan, balse markii ay galaan gudaha maxkamadda ma qiranayaan wax isdabamarin ah mana keenayaan wax caddeyn ah"". Mr Christie waxaa uu ahaa barasaabkii ugu horreeyay ee Mr. Trump ka taageeray musharraxnimadiisii xilka madaxtinimada ee 2016. Sidoo kale waxa uu ka caawiyay diyaarinta dooddii uu madaxweynaha kala hortagayay Joe Biden." https://www.bbc.com/somali/war-55040299 +politics Shacab ka hortagay Al-Shabaab hubeysan "Barqanimadii maanta oo Axad, waxaa deegaan hoos taga degmada Ceelwaaq ee ka tirsan ismaamulka Mandheera ka dhacday arrin si weyn loo hadal hayo, ka dib markii dad shacab ah ay hor istaageen rag ka tirsan Al-shabaab oo doonayay inay weerar geystaan. Ugu yaraan 3 nin oo hubeysan ayaa isku dayay inay weerar ku qaadaan goob uu ka socday dhismaha isbitaal maxalli ah, iyagoo ""damacsanaa inay halkaas ku laayaan dadka aan deegaanka kasoo jeedin"". Balse kahor inta aysan goobta gaarin ayey qaar ka mid ah shacabka deegaanka ku wargaliyeen shaqaalihii dhismaha waday inay halkaas isaga cararaan, sida uu shaaciyay wargeyska Standard ee dalka Kenya. Booliska iyo goobjoogeyaal uu soo xigtay wargeyska ayaa sheegay in qiyaastii 20 shaqaale ah ay halkaas ku sugnaayeen. Sidoo kale markii ay ragga hubeysan u dhaqaaqeen dhinaca goobta uu dhismaha ka socday, waxaa ishortaagay shacab badan oo u sheegayay inaysan meeshaas joojin cid aan deegaanka kasoo jeedin. Taliyaha booliska ee gobolka Waqooyi bari Maxamed Biriq ayaa wargeyska Standard ku yidhi: ""Waxay is-hortaageen ragga hubeysan ee ku wajahnaa goobta dhismaha, wayna ku guul darreysteen inay helaan wixii ay doonayeen. Rasaas ayey fureen laakiin ma jirin cid wax ku noqotay, isla markiina dableydii way baxsadeen"". Wuxuu intaas ku daray in tallaabada ay shacabku qaadeen ay ku badbaadiyeen nolosha dad farabadan. Booliska ayaa shaqaalaha uu bartilmaameedka ahaa geeyay bartamaha magaalada Ceelwaaq, iyadoo laga cabsi qabay inay weerarro kale dhacaan. Waa markii labaad ee ay shacabka Mandheera u istaagaan inay badbaadiyaan dadka aan deegaanka kasoo jeedin ee bartilmaameedka u ah Al-Shabaab. Dabayaaqadii 2015-kii ayey dad saarnaa Bas weerar lala beegsaday isku gadaameen dadka aan muslimiinta ahayn ee ay kooxdii weerarka fulisay isku dayayeen inay laayaan. Macallin lagu magacaabi Saalax Sabdoow Faarax oo ka mid ahaa dadkii howshaas kaalinta weyn ka qaatay ayaa goor dambe u geeriyooday dhaawac maalintaas gaaray. Dhacdadan ugu dambeysay ayaa kusoo aadday xilli hadda ay socdeen dadaallo badan oo lagu doonayay in dib loogu billaabo howlihii qodista dhagaxa ee gobolkaas. Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Fred Matiang'i ayaa bishii lasoo dhaafay mas'uuliyiinta Mandheera u ballan qaaday in dib loo billaabi doono howshaas balse hab loogu talagalay la marin doono. ""Dowladda ku talagalkeeda ma aha inay curyaamiso ganacsiga Mandheera. Walaaca kaliya ee aan qabno waa ammaan darrada heysatay shaqaalaha dhagaxa qoda"", ayuu yidhi Matiang'i." https://www.bbc.com/somali/war-49064255 +politics Hindiya oo wacad ku martay awood milatari iney xadkeeda ku difaacanayso "Hindiya ayaa wacad ku martay awood ciidan iney xadkeeda ku difaaceyso, kaddib marki 20 askari ay ka dileen ciidamada Shiinaha Isniinti la soo dhaafay. Ra'isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi wuxuu sheegay wakhti xaadirkan iney jirin ciidama shisheeye oo ku sugan xadka Hindiya iyo dhul laga qabsaday toona. Dalka Shiinaha qasaaraha ka soo gaaray dagaalka ciidamada Hindiya ay la galeen wax war ah kama soo bixin, tani iyo marka uu labada dal uu iska horimaadka uu ku dhex maray xadka Himalayan ee ay labada dal isku hayaan. Labada dal oo ku hubeysan hubka Niyukilarka ayaa dalba dalka kale uu ku eedeeyey inuu xadka soo tallaabay dagaalkana uu billaabay. Hindiya waxay sheegtay labada dalba qasaara inuu ka soo gaaray dagaalki ku dhexmaray buuraleyda Galwan ee ku yaalla Ladakh. Ra'isal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo Jimcihi shacabka dalka Hindiya telefishiinka kala hadlay wuxuu sheegay ciidamada Hindiya iney amar buuxa u haystaan ""iney qaadaan tallaabbo kasta oo milatari"" oo ay ku difaacayaan xuduudaha dalka Hindiya. ""Dalka Hindiya wuxuu si aad ah uu uga xumaaday ugana carooday tallaabbadii u Shiinaha ku dhaqaaqay, ""ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray ""Hindiya nabad iyo saaxibtinimo iney dooneyso balse ay qaranimadeeda gorgortan ka galeyn."" Mr Modi oo ka hadlay dagaalki Isniinti dhacay wuxuu sheegay, ""iney gudaha xuduudda Hindiya xoogag shisheeye ku sugneen dhul ay Hindiya leedahayna aan la qabsan"". Labada dal ayaa waxay 1996-kii ay galeen heshiis xadka ay labada dal isku hayaan ka manuucaya hubka iyo waxyaabaha qarxa. Wararku waxay intaasi ku darayaan dagaalka xadka ku dhexmaray cidamada Hindiya kuwa Shiinaha in lagu dhaawacay ugu yaraan 76 askari oo Hindiya ah. Warbaahintu waxay sheegeen ciidamada labada dal inuu dagaalka ku dhex maray dhul buuraleeyn uu badkiisa gaarayo 4,300 mitir, halka ay ciidamada qaar dagaalka marka uu dhacay ay ku daateen wabiga Galwan oo qabowgiisa eber uu ka hooseeyo. Ugu yaraan 20-askar oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa lagu dilay dhacdadii habeennimadii Isniinta. Dhacdadaasi waxay ka dhacday buuralleyda Galwan ee gobolka lagu muransan yahay ee Ladakh. Dowladda Shiinaha ayaa ku eedeysay ciidamada Hindiya in ay labo jeer ka soo tallaabeen xuduudda, iyagoo ""carreysanna ayna weerarayaan shaqaalo u dhashay Shiinaha oo nawaaxiga xadka ku sugnaa"". Labada dhinac ayaa ku adkaystay inaan wax rasaas ah aysan dhicin. Saraakiisha dalka Hindiya ayaa meesha ka saaray tirada dagaallamayaasha oo gacmaha ku haysta ulo bir ah iyo dhagaxyo. Waxaa jiray warbixino sheegaya khasaaraha soo gaaray Shiinaha, balse si rasmi ah looma xaqiijin karo. Saraakiisha militariga ee labada dal ayaa markii dambe kulmay, si ay ""u dejiyaan xaaladda"", ciidamada Hindiya ayaa sidaasi sheegay. Militiriga labada dal, ayaa muddo tobannaan sano ah isku heystay dhulka aadka u sarreeya ee buuraleyda ah, oo u badan gobol aan la degganeyn. Ciidammadoodu ayaa si fool ka fool ah isaga hor imaanayay meelo badan oo ah illaa 3,440km (2,100-mile, waana xadka ay wadaagaan. Iskahorimaadka ayaa yimid,kadib markii bilihii la soo dhaafay ay xiisado ka dhasheen waddo cusub oo Hindiya laga dhisay oo ku taalla magaalada Ladakh, iyada oo la raacayo Khadka Tooska ah ee kala qaybiya labada dhinac ee xuduudda. Taasi ayaa ka careysiisay Shiinaha, oo ciidan geeyay halkaas, waxayna kaabayaal gar ah ka dhiseen dhulkeeda lagu muransan yahay, taas oo keentay in labada dhinac ay ciidamadooda ku soo dhowaadaan ayna sii kordhiyaan halista dagaallada. Labada dhinacba waxay u arkaan deegaanka uu yahay mid muhiim ah, xag dhaqaale iyo mid milatariba. Hadduu midkoodna uu waddo helin, wuxuu iska hor imaatinkaas cawaaqib xumo ku yeelan karaa gobolka ay ku isku khilaafsan yihiin. Nolosha lagu weynayo dagaalka ayaa sare u sii qaadeysa xaaladaha cakiran. Dhimashadaas ayaa la rumeysan yahay inay tahay tii ugu horreysay muddo 45 sano ah oo ka dhacda xadka u dhexeeya Hindiya iyo Shiinaha. Waxay dagaallameen hal mar oo keliya, sannadkii 1962, markii Hindiya ay la kulantay guuldarro aad u xun. Waa halis aad u daran, haddii dadaalka deminta collaadda uu fashilmo. Maalmihii la soo dhaafay, jeneraallo ciidan oo ka kala socda Hindiya iyo Shiinaha ayaa ku lug yeeshay wadahadallo loogu talagalay xalinta dagaalka xadka." https://www.bbc.com/somali/war-53118027 +politics Jaajuusnimada: Shukaansiga ragga Mareykanka iyo haweenka quruxda badan ee sirdoonka Ruushka ah Waa haween aad u qurxoon badan waxayna soo jiiteen dad badan, balse waxaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen howlgallo qarsoodi ah. Waxay xiriir la yeesheen rag kala duwan oo ku sugan Mareykanka, balse wuxuu hadafkeedu ugu weyn ahaa in xog sir ah ay ka soo uruuriyaan arrimaha ku saabsan qorsheyaasha waaweyn ee dowladda Mareykanka, si Ruushka uu ula socdo waxa ka socda guud ahaan Mareykanka. Intooda badan waxay ku noolaayeen Ruushka sanado badan, xitaa qaarkood waxaa lagu guursaday halkaas, waxayna si toos ah u dhexgaleen bulshada si ay Mareykanka u basaasaan. Waxaa in muddo ah taagnaa shaki ah in sirddoonka Ruushka ay howlgal qarsoodi ah ka fuliyaan Mareykanka iyo meelo kale oo ka tirsan caalamka - Mareykanka wuxuu rumeysan yahay in arrintaas aanay guuleysan doonin. Qaar ka mid ah howgallada waxaa fulinayay haween sirddoon ah oo uu soo tababaray Ruushka kuwaas oo loo diro magaalooyinka Mareykanka si ay uga dhex milmaan bulshada Mareykanka oo ay u basasaan laamaha kala duwan ee dowladda. Sanadihii la soo dhaafay, sirdoonka Mareykanka waxaa u suurogshay inay kala dhantaalaan shabakadaha sirddoonka ah ee Ruushka ee ka howlgalaya dalkaas, ee Moscow uga soo safray arrin jeceyl darteed, laakiin waa koox ku lug leh howlgal lagu raadinayo xog sir ah. Bishii July ee sannadkii 2018-kii, dowladda Mareykanka waxay shaacisay in la xiray haweeney u dhalatay Ruushka oo 29 sano jir ah, oo lagu magacaabo Maria Butina. Waxaana lagu eedeeyay inay la shaqeyneysay dowladda Ruushka, isla markaana hadafkeedu ahaa in ay dhexgasho xisbiyada siyaasadda ee Mareykanka si ay u hesho xog horseedi karta in faragelin lagu sameeyo doorashada. Maria Butina waxay iska dhigeysay in xiriir dhaw ay la laheyd xisbiga Jamhuuriga ayna u doodeysay xuquuqda lahaanshaha qoriga, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka. Waxaa lagu eedeeyay in si toos ah ay ula shaqeyneysay saraakiil sare oo ka tirsan aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka. Qareenkeeda ayaa ku dooday in Maria Butina aysan aheyn qof jaajuus ah, balse ay aheyd ardayad baratay cilmiga xiriirka caalamiga ah. Waxay beenisay in ay xiriir la laheyd dowladda Ruushka. Bishii July sannadkii 2010-kii, sirdoonka Mareykanka waxay xireen 10 qof oo lagu eedeeyay in ay jaajuus u yihiin Ruushka. Waxaa dadkaas lagu daba joogay muddo 10 sano ah. Waxaa ka mid ah dadkaas la xiray gabadh aad u qurux badan oo si weyn sawirradeeda ay u hadal hayeen wargeysada caalamka. Dad badan waxay doonayeen in ay wax ka ogaadaan arrinta gabadhaas. Waxaa lagu magacaabaa Anna Chapman oo 28 sano jir aheyd. Magaceeda saxda ah waa Anna Kushchenko, waana gabadh uu dhalay mid ka mid ah diblumaasiyiinta ugu awoodda badan Ruushka. Waxay waxbarasheeda ku soo qaadatay magaalooyinka Volgograd iyo Moscow. Waxaa la sheegay in ay ku nooleyd dalka Britain, muddo shan sano ah oo ay ka shaqeyneysay waaxda maaliyadda, waxay guursatay nin u dhashay UK, oo ay is qabeen 2002 ilaa 2005. Ninkii guursaday gabadhan, Alex Chapman, ayaa shaaca ka qaaday in xaaskiisa ay u sheegtay in aabaheed uu ka tirsanaan jiray laantii hore ee sirddoonka Ruushka ee KGB. https://www.bbc.com/somali/war-57469065 +politics Maxay tahay sababta 40 qof oo Soomaali ah looga soo tarxiilayo Mareykanka? Sannadahan dambe waxaa sii badeyneysay tirade tahriibeyaasha Soomaalida ah ee ku wajahan dalka Mareykanka, kuwaasoo si la mid ah tahriibeyaasha kale ee caalamka safar ku sii mara dalalka Qaaradda Koonfurta Ameerika. Waxaase dadkaas qaarkood dib loo soo celiyaa marka ay Mareykanka galaan ka dib. Intii uu xukunka hayay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ayey hoos u dhacday tirade tahriibeyaasha Soomaalida ah ee u hanqal taagayay Mareykanka, balse markii u uku guul darreystay dib u doorashada waxaa soo laabtay qulqulkii hore. Dowladda Madaxweyne Joe Biden waxa ay Meesha ka saartay mamnuuciddii dalal ay Soomaaliya ku jirto laga saaray safarrada Mareykanka. Balse dadka tahriibka ku gaaraya dalkaas qaarkood ayaa ku guul darreysta in la aqbalo. Soomaali ay tiradoodu tahay 40 qof ayaa hadda la filayaa in dowladda Mareykanku ay usoo tarxiisho Soomaaliya. Afartanka qof ee Soomaalida ah waxa ay hadda tarxiilka ku sugayaan xabsi ku yaalla gobolka Mississippi ee dhaca koonfurta dalka Mareykanka. Su’aal dad badan isweydiiyaan ayaa ah; maxaa ka khaldama dadka dib loo soo celiyo iyagoo magangalyo doon ah? Dadka tahriibka ah ee ka tallaaba xadka Maraykanku la leeyahay Mexico ayaa waayadii hore marka maalmo kooban lagu hayo goobo dalkaas ku yaalla kolka dambe laga sii deyn jiray. Haatan waxay wararku sheegayaan in dadkaas la geeyo xabis lagu sii hayo inta lagu celinayo wadamadii ay ka yimaadeen. Haddaba si aan u helno jawaabta su’aasha aan kor ku xusnay, waxaan la hadalnay qareen Soomaali ah lagu magacaabo Maxamuud Muuse Xasan, oo BBC-da u sharraxay sababta dadka qaar dib loogu soo tarxiilo iyagoo maray tahriib dheer. “Dadka marka xabsiga la geeyo waxaa laga yaabaa in qaarkood dib loogu celiyo Soomaaliya, maadaama magangalyada ay qorteen aysan ahayn mid xooggan oo waxyaabihii la weydiiyay, cabsidii su’aalaha [ay wax uga khaldameen],” ayuu yiri. Qareenka u warramay BBC-da ayaa sheegay in dadka magangalyo doonka ah qaarkood aysan fahansaneyn sida dacwadda loo sameysto. “Dabcan marka dacwadda la qorayo waa in dacwaddaadu ay tahay mid xooggan oo caddeyneysa dhibaatadii aad ka soo tagtay iyo dhibkii kusoo gaaray,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay waxaa Mareykanka ka taagneyd xiisad la xiriirta dadka soo galootiga ah ee ay Soomaalidu ka mid yihiin, waxaana gobollada qaar ay ka cabanayeen tirada tahriibeyaasha oo aad ugu badatay. Bishii September, labo bas oo wada tahriibeyaal ayaa laga kaxeeyay gobolka Texas, dhammaan dadkaasna waxaa lagu daadiyay bannaanka hore ee guriga ay Washington ka daggan tahay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Kamala Harris. Amarka dadkaas lagu geeyay guriga Harris, oo uu bixiyay guddoomiyaha gobolka Texas, ayaa yimid ka dib markii ay xoogeysatay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay tirada tahriibeyaasha ee badatay. Guddoomiyaha Texas oo kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in tallaabadaas oo ay si ulakac ah u sameeyeen ay ku dalbanayeen in dowladdu ay keento siyaasado cusub oo lagu xakameynayo soo galootiga. Murankaas ayaa ilaa hadda taagan, xilli ay dad cusub maalin walba kasii gudbayaan xadka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico. https://www.bbc.com/somali/articles/cj5zye5l4jlo +politics Muslimiinta Mareykanka oo wacdaro ka dhigay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka Doorashadii xilliga dhexe ee sanadkan ayaa noqotay mid taariikhi u ah Muslimiinta Maraykanka, iyadoo tiradii ugu badnayd ay ku guuleysteen kuraasta. warbixin ka soo baxday Xarunta Kheyraadka Jetpac iyo Golaha Xiriirka Mareykanka iyo Islaamka (CAIR) ayaa lagu ogaaday in siyaasiyiin badan oo Muslimiin ah ay u rumowday riyadooda. Qaar badan oo ka mid ah guulahaas ayaa ka dhacay gobollada Texas, Virginia iyo Georgia, waxaana ku jiray 20 murashax oo horey xilal u hayay iyo 17 musharax oo cusub. Kuraastaasi waxay u dhaxaysaa guddiyada waxbarashada deegaanka iyo golaha deegaanka ilaa Aqalka Congress-ka ee Maraykanka, halkaas oo xildhibaanad Ilhaan Cumarn iyo Rashida Tlaib ay labadoodaba dib ugu guuleysteen xilalkooda. Ilhaan Cumar oo Congress-ka ku matasha degmada 5-aad ee gobolka Minnesota ayaa markii ay ku guuleysatay doorashadan ugu dambeysay waxa ay BBC-da u sheegtay in ay ku faraxsan tahay natiijada ay heshay. “Waa guul kale oo Alle uu noo soo dhiciyay, waxaana rajeynayaa in dadka kale ee tartamaya ee walaalaheenna ahna in ay guuleystaan,” ayey tiri. Tani waxay muujinaysaa in tiradii ugu badneyd ee Muslimiinta Mareykanka ay soo baxeen tan iyo markii CAIR ay billowday diwaangelinta sanadkii 2020. Isla sannadkaas, 71 Muslimiin Maraykan ah ayaa la doortay xilal halka 17 hor leh ay sanadkan ku soo biireen. Marka laga soo taga xilalka ay Muslimiinta guud ahaan ku guulaystaan sanadkan waxaa soo baxay tiradii ugu badnayd ee Soomaali Maraykan ah. Toban murashax oo Soomaali ah ayaa kusoo baxay doorashada, iyagoo ku guuleystay hankoodii siyaasadeed, halka qaarkoodna ay dib u soo ceshadeen kuraastii ay horay ugu fadhiyeen. Kursiga ugu saameynta badan ee Soomaalida waxaa dib ugu guuleysatay Ilhaan Cumar oo horay taariikhda ugu gashay ku biirista Aqalka Wakiillada Mareykanka.Sanadkii 2019-kii ayey gabadhan kasoo jeedda Soomaaliya noqotay haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban ku biirta Congresska, waxayna sidoo kale ka mid ahayd labada gabdhood ee Muslimiinta ah ee loo doortay golahaas. Saddex Soomaali ah ayaa ku guuleysatay kuraasta xildhibaannada Aqalka Hoose ee Minnesota labo kale oo Soomaali ahna ay ku guuleysteen doorashadii kuraasta Aqalka Saree e gobolkaas.Samakaab Xuseen, Maxamuud Nuur iyo Hodan Xasan ayaa loo doortay xubinnimada Aqalka Hoose ee Minnesota. Soomaalida taariikhda cusub ka dhigtay doorashadan waxaa ka mid ah Zaynab Maxamed oo loo doortay kursiga Aqalka Saree e Minnesita, iyadoo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ku biirtay Aqalkaas. Waxa ay Zaynab sidoo kale noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah oo xildhibaan ka noqotay Aqalka Sare ee gobolka Minnesota.Cumar Faatax ayaa mar kale dib loogu soo doortay Aqalka Saree e Minnesota oo uu horay xubin uga ahaa. Deeqa Dhalac iyo Maana Cabdi oo ka mid ah siyaasiyiinta da’da yar ee Soomaalida Mareykanka ayaa loo doortay Aqalka Wakiillada ee gobolka Mine ee ku yaalla cirifka waqooyi-bari ee dalka Mareykanka. Muniira Cabdullaahi iyo Ismaaciil Maxamed ayaa ku guuleystay tartankii ay u galeen ku biirista Golaha Wakiillada ee gobolka Ohio https://www.bbc.com/somali/articles/czv0ly8qg57o +politics Maxay gorodda iskugula jiraan Aadan Ducaale iyo barasaabka Gaarissa? "Maalmihii lasoo dhaafay waxaa hadallo kulul hawada isu marinayay Aadan Barre Ducaale oo ah xildhibaanka laga soo doorto bartamaha magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, isla markaana ahaa guddomiyihi hore ee aqlabiyadda baarlamaanka Gaarissa iyo Barasaabka Gaarissa Cali Bunnow Qorane. Doodda labada hoggaamiye ayaa bilaabatay labo isbuuc ka hor kaddib markii wakiillada baarlamaanka hoose ee Gaarissa ay soo bandhigeen mooshin xilka looga qaadayo afhayeenka baarlamaanka hoose ee Gaarissa, Ibraahim Cabaas. Wakiillada baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Ibrahim Cabaaas in uu ku takri falay awooddiisa iyo in uu ku fashilmay hoggaaminta baarlamaanka.Maalmo kaddib wakiillada barlamaankaasi ayaa ka laabtay mooshinkaasi markii waanwaan ay sameeyeen odayaasha Gaarissa oo nabad dhex dhigay afhayeenka iyo wakiillada. Hase ahaatee, barasaabka Gaarissa Cali Bunnow Qorane ayaa sheegay in mooshinka xilka looga qaadayo afhayeenka baarlamaanka ay ka dambeeyaan siyaasiyiin reer Gaarisa ah oo magaalad Nairobi ku sugan.""Labadan beri waad maqasheen arrimaha baarlamaanka ka socday ee ah in xilka laga qaado afhayeenka barlamaanka, arrintaas waa fitno oo na dhex taallo wax dan ahna oo ku jirana ma laha"" ayuu yiri Cali Bunnow Qorane. Barasaabka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in siyaasiinta arrintan ka dambeeya ay doonayan in shacabka ay kala qeybiyaan. Cali Qorane ayaa sheegay in dowladda Gaarisa loo wada siman yahay oo si wada jir ah dadka ay ku soo doorteen oo qabaa'il walba uu ka muuqdo. Waxaa uuna carrabaabay siyaasiinta iyo madaxda uu sheegay inay mooshinka ka dambeeyaan.""Afar nin oo siyaasi ah ayaa fitnadan ka dambeysa, waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale (xildhibanka la ga soo doorto bartamaha Gaarissa), Nadiif Jaamac (barasaabkii hore ee Gaarissa intii u dhexeysay sanadkii 2013kii ilaa 2017kii), Dr Maxamed Daahiye Ducaale( xildhibaanka laga soo doorto degmada Dhaddaab) iyo Deeqow Barrow oo haatan u tartamaya kursiga barasaabka Gaarissa,"" ayuu yiri Cali Qorane. Dhanka kale Aadan Barre Ducaale oo eedeymahaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in wax gacan ah uusan ku lahayn arrintaasi oo waxbana aysan ka jirin.Ducaale ayaa sheegay in isaga iyo barasaabka Gaarissa xifaaltanka ka dhexeyo uu yahay oo keli ah in Cali Bunnow Qorane uu kasoo baxo ballamihii uu ka qaaday Gaarissa oo uu shacabka u adeego.""Aniga waxaan u dhaxeeyaa ummadda reer Gaarissa iyo Soomaalida magaalada deggan. Dadka markay dulman yihiin lama qariyo oo lama aamuso. Gabdho iskuma haysanno, dhaxal iskuma haysanno, lacag iskuma haysanno, waxa keli ah oo aynu isku haysanno ayaa ah sidii lacagtii dowladda dadka wax loogu qaban lahaa oo si caddaalad ah loogu shaqeyn lahaa,"" ayuu yiri Aadan Bare Ducaale. Hoggaamiyihi hore ee aqlabiyada barlamaanka dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in adeegyada asaasiga ah ay magaalada Garissa ka maqan yihiin taasna aysan macquul ahayn.""Macquul ma aha in webigii ugu weynaa Kenya ee Ganaane maro (Webiga Tana) uu marayo darafta Gaarissa islamarkaana magaalada Garissa ay oomman tahay, markaas waxaad leedihiin Ducaale yuusan hadlin,"" ayuu intaas ku daray. Arrinta kale oo Qorane iyo Ducaale ay isku hayaan waxaa ka mid ah arrimaha caafimaadka oo maamulkeeda dowladda sare ay u soo dedajiysay dowlad goboleedka, arrintaas oo Ducaale uu sheegay in maamulka barasaabka aysan waxba ka qaban.""Been yaan la isku sheegin qabriga keligaa ayaad galeysaa, arrinta caafimaadka 21 qof oo reer Gaarissa ah ayaa iyagoo loo sii wado magaalada Nairobi si caafimaad ay u helaan waddada ku dhintay, sababtoo ah isbitaalka Gaarissa ma lahayn qalabka oksijiinta. Dadkaasi waxaa kamid ah dhaqaatiir caafimaad iyo ganacsato caan ah"". Xildhibaanka lag asoo doorto bartamaha Gaarissa ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in isbitaalka guud ee Gaarissa oo ah midka ugu weyn Waqooyi Bari Kenya uu dhaqaale badan ka helo dowladda dhexe, balse nasiib darro adeegyadii laga filayay aanan laga helin. ""Cisbitaalkan waxaa uu dowladda sare sanad walba ka helaa lacag dhan shan milyan iyo afar boqol oo kun oo doollarka Maraykanka ah, marka sideen ku aamusnaa? Ummadda xoolaheeda waa in lagu xisaabtamaa,"" ayuu yiri Ducaale. Dhanka kale xafiiska barasaabka Gaarissa ayaa eedeymaha Ducaale ku tilmaamay waxba kama jiran oo adeegyada bulshada uu siyaasadeynayo, waxayna xadaladda Ducaale ku tilmaamen kuwo fitno ah oo dadka isku dirayo. ""Innagu fitna ma doonayno wax qabadkeenna waa uu iska cad yahay, ciddii doonaysa inay nala xisaabtanto ha imaaddo, xafisyada dowlad-goboleedka way furan yihiin, suuqyada iyo shirarka iyo masraxa siyaasadda yaan laga hadlin oo xisaabtan yaan lagu marmarsiyoonin,"" ayuu yiri barasaabka Gaarissa Cali Bunnow Qorane. Arrinta kale ee doodda abuurtay ayaa ah ballanqaadkii barasaabkii Gaarissa oo laba sano kahor uu sheegay in labo kun oo kiloomitar oo laami ah laga dhisi doono dhammaan lixda degmo ee gobolka Gaarissa ka kooban yahay. ""Barasaabka wuxuu magaalada keenay rag iyo dumar caddaan ah oo Denmark laga keenay kuwaas oo la sheegay in ay dhisi doonaan labo kun oo kiilo mitir oo laami ah. Laga soo bilaabo magaalada Booday, magaalada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya ee Dhoobley ilaa Gaarissa oo dhan laba kun oo kiilo mitir ma dhammo haddii aan xisaabiyay. Dowladii hore ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta waa shantii sano oo ugu horeeysay oo ka dhaqaalo badan tan dowladda goboleedka Garissa. Waxaan dhisnay 5 kun oo kiilo mitir dalka Kenya oo idil, marka walaalayaalow aaway ballanqaadkii? dadka beenta halaga daayo,"" ayuu intaas ku daray Ducaale. Si kastaba xafiiska barasaabka Garissa Cali Bunnow ayaa sheegay in dhamaan riyoyinkaas iyo hamigaas magaalada Garissa laga hirgilin lahaa balse caqabad ay ku noqotay dowladd goboledkiisa waayo mashrucaasi waxaa hor istaagay siyaasiin ay ducaale kamid yihiin oo danta shacabka kasoo horjeedo. Doodda kale ee u dhexeysa labadan hoggaamiye ayaa ah fikrad u soo jeediyay barasaabka Gaarissa oo ahayd in deegaanka Lagdheera oo ah goob abaar ah ay aad u saameeyaan biyo la'aan ay ka jirto in qaab tiknoolajiyad ah biyaha hawada looga soo saarayo.""Waxaan ku fikirnay in aan keenno mashiin qiimaheedu gaarayo 380 kun oo doollar taas oo biyo hawada ka keenayso qaab tiknoloji oo cadceedu iyo dabeesha awoodeeda biyo dhulka uga dhalinayso"". Ayuu yiri , Balse Aadan Ducaale oo filayo in ballantaasi la oofiyo ayaa sheegay in biyaha webiga iyo dhulka laga soo saaro balse uu la yaabban yahay qaabka hawada biyo looga keenayo. ""Barasaabka magaalada Modogashe ayuu tagay wuxuu sheegay in biyo hawada sare laga keenayo, waxaan maqli jiray biyo ama waa webi, ama waa lag ama waa bad amaba waa ceel. Anigu waan yaabay cajaa'ib!,""waxaa sidaasi sheegay Ducaale Barasaabka Garissa ayaa sheegay in balamihiisa uu kasoo baxay waxyaabaha aan dhaqangelina ay caqabad ama dhuun laf gashay ku noqdeen xilibhaanada Garissa oo Aadan Bare Ducaale uu kamid yahay, kuwaas oo lagu eedeyay inay hor istaagen lesenkii ama shahadooyiinka qalabyadaasi lagu soo iibin lahaa iyo shatigii ay ku shaqeyn lahayeen dadkii maal gelin lahaa wadooyiinka 2kun ee kiloomitar ee la dhisi lahaa. Cali Qorane ayaa sheegay in madaxda Gaarissa ay siyaasadda ka hormariyeen danta shacabka soo doortay taasna ay sababtay in dowladdiisa ay waajibadkeeda gudan weydo. Si kastaba, xifaaltanka u dhaxeeya Aadan Barre Ducaale iyo Cali Qorane ayaa hadal hayn weyn ka abuurtay baraha bulshada iyo shacabka Gaarissa kuwaas oo ugu baaqay in ay xaaladda dejiyaan. Ducaale iyo Qorane ayaa heshiis ahaa kahor doorashadii sanadkii 2017kii, waxayna labaduba ahayeen isku xisbi iyadoo midba midka kale uu u ololaynayay si ay ugu soo baxaan kuraasta ay doonayeen. Muddo 14 bilood ayaa ka harsan doorashada guud ee Kenya. Ducaale weli maa uusan sheegin in uu kursiga barasaabka ama kursi kale u tartami doono halka Cali Bunnow Qorane uu sheegay in uu donaayo in dib loogu soo doorto kursiga barasaabka Gaarissa. Xaqiiqada waxaa la ogaan doonaa bilooyinka ka harsan doorashada." https://www.bbc.com/somali/war-57362204 +politics Waaxda Gaashandhigga Maraykanka oo markii ugu horeysay nin madow hoggamin doono Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa xoghayaha difaaca u magacaabay janaan Lloyd Austin oo haatan howl gab ah. Janan Austin, oo 67 sano jir ah, wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Afrikaan Mareykan ah ee hoggaamiya Waaxda gaashandhiga ee Pentagon-ka. Janan Austin, oo hogaaminayay Taliska Dhexe ee Mareykanka intii uu jiray maamulkii Obama, wuxuu u baahnaandoona ansixinta aqalka congress-ka maadaama ay ka yartahay 7 sano markii uu howlgab noqday. Go'aanka Mr Biden ayaa imanaya laba toddobaad ka dib markii uu ku dhawaaqay xubno kale oo sarsare oo ka tirsan kooxda amniga qaranka. Mr Biden iyo Janan Austin ilaa iyo hadda kama aysan hadlin arrintan. Mr Biden wuxuu ka adkaaday madaxweynaha Jamhuuriga Donald Trump doorashadii 3-dii November la qabtay, waxaana lagu wadaa in la caleema saaro 20-ka Janaayo ee sanadka 2021-ka. Mr Trump wuxuu weli diidanyahay inuu aqbalo in looga adkaaday doorashada, asaga oo ku andacoonaya, caddeyn la'aan, inay dhacday wax isdaba marin baahsan. Qariirada Politico ayaa markii ugu horeysay ka warbixisay go'aanka Mr Biden uu ku magacaabay Janan Austin inuu noqdo xoghayaha difaaca, iyadoo soo xiganeysa seddex qof oo xaalada wax ka og. Waxay sheegtay in Janan Austin inuu yahay nin khibrad dheer leh oo aamin ah. Waxaa la sheegay in janan Austin lasoo xulo ay kusoo aaday iyadoo ay sii kordhayaan baaqyada ururada bulshada iyo baaqyada ay soo jeedinayaan taagerayasha xisbiga Dimuqraadiga ee qowmiyadaha Madowga, Aasiyanka, Latino si loo hubiyo in Mr Biden uu beelaha laga tirada badan yahay iyo haweenka u magacaabo xilalka sare ee golaha wasiirada. Dhanka kale, CNN ayaa soo xigatay illo sheegaya in Mr Biden uu u soo bandhigay jeneraalka shaqada dhamaadka usbuucii hore iyadoo janankana uu Madaxweynaha ka aqbalay xilka loomagacaabay Jananka afarta xiddig leh ayaa sanadihii 2013-16 wuxuu hogaamiyay Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo aaga uu masuulka ka yahay ay ka mid ahayeen Bariga Dhexe, Aasiyada Dhexe iyo qeyb ka mid ah Koonfurta Aasiya. Intaas ka hor wuxuu ahaa ku-xigeenka madaxa Milatariga iyo taliyihii ugu dambeeyay ee ciidamada Mareykanka ee Ciraaq. https://www.bbc.com/somali/war-55226458 +politics "Dowladda Kenya oo "" baareysa ka ganacsiga caruurta """ Dowladda Kenya aya amartay in baaritaan lagu sameeyo caruurta la xado ee lasii iibiyo kadib baaritaan ay BBC-da ka sameysay suuq madow oo lagu kala iibsado caruurta. Hadalka dowladda Kenya ayaa yimid kadib markii barnaamijka baaritaanada BBC-da ee African Eye uu daaha ka rogay caruur la xaday, kuwaas oo laga soo iibsado isbitaalada dadweynaha. Saraakiil caafimmaad ayaa adeegsaday dukumentiyo sax ah, si ay ula soo baxaan canug yar oo dhalan laba asbuuc kahor inta aanan laga iibinin weriye si qarsoodi ah u sameeyay warbixinta. Wasiir katirsan dowladda ayaa sheegay in dembiilayaasha ay wajihi doonaan sharciga. Mar uu ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ayaa wasiirka shaqaalaha iyo daryeelka bulshada, Simon Chelugui waxaa uu sheegay in kuwa iibiya iyo kuwa laga iibiya caruurta ay isku mid yihiin, waxaana uu ballan qaaday baaritaan dhab ah oo lagu sameynayo arrintaas. Baaritaanka ay BBC-da sameysay ayaa waxaa uu sidoo kale daaha ka rogay ka ganacsiga caruurta laga xado dadka nugul ee ku nool waddooyinka iyo xarumo caafimmaad oo sharci darro ah oo ku yaala Nairobi, halkaas oo caruurta yaryar lagu iibiyo lacag gaareyso afar boqol oo doollar. Barnaamijka baaritaanka waxaa kale oo uu shaaca ka qaaday musuqmaasuq ka dhex jira isbitaalka dadweynaha ee Mama Lucy Kibaki ee Nairobi. Fred Leparan oo ah shaqaale caafimaad oo katirsan isbitaalkaas ayaa fududeeyay iibinta ilma yar oo laba asbuuc dhalan, kaas oo uu ka iibiyay weriyaha baaritaanka sameeyay, waxaana uu ka siiyay lacag dhan saddex kun oo doollar. Fred Leparan ayaa diiday dalab loo jeediyay oo ahaa in uu ka jawaabo caddeymaha baaritaanka lagu soo bandhigay. Wasiirka shaqaalaha ayaa qiray in loo baahan yahay in sare loo qaado qaar kamid ah xarumaha lagu daryeelo caruurta. Ma jirto xog rasmi ah oo la xiriirta heerka ay gaarsiisan tahay ka ganacsiga caruurta balse hey'ad aan dowli aheyn oo lagu magacaabo Missing Child Kenya waxaa ay ku qiyaastay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay la iibiyay caruur gaareysa 600. https://www.bbc.com/somali/war-54981375 +politics Maxay tahay farriinta Eritrea ay ku gudbineyso cududda ciidan ee ay soo bandhigtay? "Dabbaaldegga sanad guurada 25-aad ee ka soo wareegtay sanadki ay Eritrea madaxbannaanida ka qaadatay Itoobiya ayaa mudda toddobaad ah ka socday dalkaasi. Waxayna Eritrea munasabadda ku soo bandhigtay dhoolla tus ciidan oo ka duwan kuwi ay ku soo bandhigi jirtay munaasabadaha noocan ah. Madaxweyne Isaayaas Afawarqi oo munaasabadda ka hadlay wuxuu sheegay shaqada qaran ee ay ciidamadu ee ay shacabka ka qayb qaadanayeen 25-ka sano iney horumarka dalka qayb weyn ka qaadatay. Howsha qaran uu muwaaddin kasta oo Eritrea uu qabanayo oo ah mid laba sano qof walba laga rabo, haddana dadka dhaleeceeya waxay sheegayaan inuu sharciga uu dhigayo muwaaddin kasta oo ay da'diisu gaarto 18 sano inuu laba sana oo shaqa qaran ama ciidan uu soo maro, balse dadka qaar ay 10-ka sano ka badan ay shaqeeynayaan. Labad dal waa Itoobiya iyo Eritrea oo ay in mudda ah u dhaxeysay colaad ka dhalatay sheegasha dhul ayaa dhawaan heshiis kala saxiixday inkasta oo aan arrinta dhulka ee la isku haystay xal waara laga gaarin. Munaasabadda toddobaadka xorriyadda ee dalkaasi oo lagu qabtay magaalada Saawa waxay xukumadda Asmara ay ku soo bandhigtay cudud ciidan. Waxaana dhuulla tuska ciidan ka qayb qaatay taangiyo, diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo diyaradaha dagaalka ee miigga loo yaqaanno iyo gaadiid gaashaaman oo aad u badan. Ciidamada dalladda ku boodana waxay halkaasi ku soo bandhigen iyaga oo diyaaradaha xarig kaga boodayo iyada oo ay diyaaradaha dagaalkana dul heehaabayeen halka uu dabbaldagga uu ka socday. Dadka qaar ayaa isweyddiiya xilliyadi ay Itoobiya colaadda kala dhaxeysay iney ciidan soo bandhigto la yaab malahayn laakiin hadda oo ay Itoobiya heshiiyeen sababta looga baahday Eritrea iney cududdeeda ciidan ay soo bandhigto. Dadka sida gaarka ah ay arrintan ugu noqotay arrin ugub ah waxaa ka mid ah Dr Alex Dival oo ka faallooda arrimaha siyaasadda geeska Afrika ahna agaasimaha World Peace Foundation. ""Dhoollatuska iyo ciidamada la soo bandhigay xilli ay gobolka nabad ka dhalatay waddamadana ay colaaddi u dhaxeysay nabad ku soo afjreen in dhoollatus ciidan la sameeyo waa arrin ugub (odd) ah"" ayuu yiri. ""Xiriirka nabadeed ee ay la billaawday Itoobiya, Xiriirka Suudaan ay la lahayd oo soo wanaagsanaaday, iyo madxweynihi dalka Suudaan hoggaanka u soo hayey Cumar Al-bashiir xilka laga tuuray maamul rayad ahna lagu beddeli rabo arrimahaasi oo dhan isbiirsaday iney Eritrea dooneyso iney xiriir cusub la yeelato waddamada gobolka."" ayuu yiri. ""Waxaana intaa dheer xilli ay Eritrea waddamada dariska, kuwa bariga dhexe gaar ahanna Sacuudi Carabiya iyo Imaaradka Carabta xiriirka ay la lahayd uu soo wanaagsanaaday in dhoolla tus ciidan oo noocan ah in la soo bandhigo inaan loo baahneen."" Guud ahaan, dhoollatuska ciidan ee Eritrea waxaa lagu macneeyn karaa ayuu yiri ""mid uu madaxweynaha uu ku doonayo inaan la illaawin aanna loo dayma la'aan maqaamka dalka Eritrea uu kaga jiro siyaasadda geeska Afrika iyo bariga dhexe intaba. Wariye Kart Lender oo bogga 'the Africanist Info' uu fadhigiisu yahay Nairobi wuxuu sheegay ""Saansaanta nabadeed ee sanadki hore la helay waxaa loo soo maray marxalado kala duwan marka tillaabbooyinka noocani ee wax u dhimi kara nabadda in la qaado inaan loo baahneen. Waxaan u mleeynayaa iney sugayaan isku haysashada xukunka Itoobiya halka uu ku biyo shuban doono."" ayuuna sii raciyey. ""Tani iyo marka ay madaxda labada dal ay qaateen heshiis nabadeed waxaa la filayey iney dhalinyarada dalkaasi u soo kordhiyaan nidaam cusub oo ka badbaadin kara askarinimada qasabka ah ee ay la kulmaan."" ayey tiri Michela Rong. ""Madaxweyne Isaayaas Afwarqi marki uu saxiixay heshiiska Itoobiya iyo Eritrea oo hadda sanad laga joogo waxa laga filayey inuu shacabka dalkaasi mideeyo siyaasad cusubna uu u gogol xaaro"" ayuu leeyahay Dan Konel. ""Haseyeeshee, halki siyasadda madaxweynaha laga filayey iney waxun iska beddelaan haddana iyada oo ay jirin wax dagaal ah in dhoollatus ciidan la sameeyo aan loo baahneyn."" Guud ahaan waxay khubaradu leeyihiin dhoollatuska ciidan iyo hubka faraha badan ee ay soo bandhigtay xukumadda Asmara lagu macneeyn karo ""inuu madaxweynaha leeyahay aniga weli awooddeyda waa sidi.""" https://www.bbc.com/somali/war-49252418 +politics Burcad Koonfur Afrikaan ah oo u dhacay goob aan laga fileyn "Laba maalmood kadib markii ay dowladda Koonfur Afrika dib u soo celisay mamnuucidda khamriga si loo xakameeyo faafidda Fayraska Korona, ayaa tuugo waxa ay jabsatay dukaan cabitaankaasi lagu iibiyo oo ku yaal magaalada Cape Town. ""Waxa ay shubteen oo qaateen dhammaan khamrigii goobta yaallay,"" ayuu yiri Mark Kallend oo ah milkiilaha dukaankaasi una warramay warbaahinta News24. Mr Kallend ayaa sheegay in falkaasi uu muujinayo sida shacabka waddankaasi ay xaaladda ugu adag tahay. Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo shacabka dalkiisa khudbad ujeediyay Axadii ayaa sheegay in mamnuucidda khamriga oo ah tii labaad ee sanadkan la soo rogay ay culayska ka yareynayso goobaha caafimaadka ee dalka. Burcad gaari qaali ah xadday iyaga oo dameero adeegsanaya Burcad diyaarad kaga baxsaday xabsi Paris ku yaalla In ka badan 40% xaaladaha dadka dhimirka ka xanuunsan ee dalkaasi oo tiro ahaan todobaadkii gaaraya 40,000 ayaa la sheegay inay yihiin kuwa khamriga ku dawaqa, taasoo culays gaar ah ku hayso hawlwadeennada caafimaadka ee la taacalaya cudurka safmarka ah. Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi, the Democratic Alliance, ayaa sheegay in dowladda ay mamnuucidda khamriga ku qarinayso guuldarrada ka haysata hirgelinta hannaan caafimaad oo dalka ku haboon. Hogaamiyaha xisbiga Economic Freedom Fighters, Julius Malema, ayaa dhankiisa sheegay in Madaxweyne Ramaphosa uu ku fashilmay dhegaysiga talo loo jeediyay oo ahayd inuusan qaadin mamnuuciddii koobaad ee khamriga la saaray bishii March. Koonfur Afrika ayaa hadda ah dalka uu saameynta ugu badan ku yeeshay Fayraska Korona marka laga hadlayo qaaradda Afrika, waxaana laga diiwaangeliyay in ka badan 275,000 oo kiis. Tirada dadka cudurka ugu dhintay Koonfur Afrika ayaa ka badan 4,000 waxaana dowladdu saadaalinaysaa in tiradaasi ay gaari karto illaa 50,000 dhamaadka sanadkan." https://www.bbc.com/somali/53412588 +politics Itoobiya: Hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah oo lagu qabtay Addis Ababa "Komishinka Booliska ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah in lagu qabtay bakhaar uu shaqsi leeyahay oo ku yaalla magaalada Addis Ababa. Booliska waxay sheegeen dharka ciidanka ee la qabtay iney isugu jiraan kuwa ciidamada qalbaka sida iyo kuwa booliska oo deegaanna kala duduwan ka kooban. Waxaa sida oo kale bakhaarkaasi lagu qabtay hub iyo qalab militari oo ka mamnuuc ah inuu shacab gacantii uu ku jiro. Dharka ciidamada Booliska ee la qabtay waxaa ka mid ah dharka ay xidhaan booliska deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya sida sawirkaba ka muuqato. Komishinka Boolisku magaalada Addis Ababa waxay intaasi ku dareen in sida oo kale bakhaarka laga in laga helay 1 bam gacmeed, hal bistoolad iyo rasaas ka badan 250. Waxay booliska Addis Ababa gacanta ku soo dhageen 5 qof oo lala xidhiidhiyey hubka iyo dharka ciidan ee la helay iney ku lug leeyihiin. ""Waxaa shaqsiyaadkaasi booliska gacanta uu ku soo dhagay hadda ku socota baaritaan lagu ogaanayo arrinta loo haysto doorka ay ku leeyihiin"" ayuu yiri Komishinka Booliska Addis Ababa. Taliyaha booliska degmada Addis Ketema ee magaalada Addis Ababa Commander Kebede Asafa wuxuu sheegay bakhaarka hubka iyo dharka ciidanka lagu qabtay imuu u kireysnaa haweeney. Waxay boolisku sheegeen haweeneyda bakhaarka uu u kireysnaa dadka bakhaarka iska lahaa iney uga kiresatay kaba ay ka ganacsato iny ku keydsaneyso. Bakhaarka qalabka kale ee lagu qabtayna waxaa ka mid ah dhar ciidan oo kala duwan, astaamaha booliska iyo ciidanka u gaarka ah, dharka, koofiyadaha iyo suumanka ciidanka, katiinada daka gacmaha looga xidho iyo qalab kale oo ay ciidamadu leeyihiin. Arrintan oo soo qabashadeeda ay iska kaashadeen laanta sirdoonka dalka Itoobiya, Booliska Federaalka iyo Booliska maamulka Addis Ababa waxay sheegeen iney sii wadayaan ka hortagga dambiyada noocani ah baaritaanka marka ay soo gabagabeeyaanna ay hay'adaha sharciga kiiska u gudbin doonaan. Sida uu dhigayo sharciga u yaalla dalka Itoobiya dharka ciidamada qalabka sida iyo kuwa booliska ay leeyihiin iyo qalabka ay isticmaalaanba inuu shaqsi haysan karin, ka ganacsan karin isla markaana iibin karin. Tani iyo marka uu isbeddelka siyaasadeed uu ka dhacay dalka Itoobiya oo majaraha dalkaasi qabtay Dr Abiy Axmed waxaa soo badanayey hubka iyo lacagaha sharci darrada ah ee dalka gudahiisa lagu qabto." https://www.bbc.com/somali/war-52161170 +politics Militeriga Mareykanka oo soo riday qalab dul heehaabayay hawada "Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa soo ridday qalab duulayay hawada Mareykanka oo aan la aqoonsan. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in saraakiisha aysan weli u suurtagalin inay ogaadaan waxa uu ahaa qalabka lasoo riday. Waa markii afaraad ee uu Mareykanka bishan gudaheeda fuliyo howlgalka noocan ah oo lagu soo ridayo waxyaabo hawada duulayay oo laga shakiyay. Taliyaha ciidamada ee waqooyiga ayaa sheegay in qalabka dul heebayay hawada Mareykanka aan lagu tilmaami karin buufin iyo sababta uu hawada ugu jiray. Wuxuu intaa ku daray in meesha aan laga saari karin in qalabka uu ahaa mid shisheeye. Madaxweyne Joe Biden ayaa galabtii Axadda amar ku bixiyay in lagu soo dejiyo meel u dhow harada Huron oo ku taalla agagaarka xadka Canada. Qalabkan ayaa waxaa looga cabsanayay in uu faragelin ku sameeyo diyaradaha qaada xamuulka ee marayay hawada maadaama uu qalabka dhulka u jiray 20,000ft (6,100m), sida lagau sheegay bayaan ka soo baxay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka. Saraakiisha Pentagon-ka ayaa sheegay in markii ugu horreysay lagu arkay meel ka baxsan goobaha militariga ee Montana, maalintii Sabtidii. Qalabka oo aan loo arkin in uu yahay halis ciidan ayay saraakiisha difaaca Mareykanka ku tilmaameen mid aaney cidina wadin oo lahaa saddex geesood. Waxaa lagu dhuftay gantaal laga soo riday diyaaradda F-16 saacadu markii ay ahayd 14:42 wakhtiga Mareykanka. Dhacdadan ayaa dhalisay su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan xaddiga walxaha hawada ku duulayay ee bishan lagu soo riday Waqooyiga Ameerika. Buufin looga shakisanaa inay basaas u aheyd Shiinaha ayaa lagu soo riday xeebta South Carolina 4-tii bishan ka dib markii ay maalmo dul heehaabaysay qaaradda Mareykanka. Saraakiisha waxay sheegeen in laga soo diray Shiinaha si loogu la socdo dhaqdhaqaaqa goobaha xasaasiga ah. Shiinaha ayaa beeniyey in walxahan loo adeegsaday basaasnimo, wuxuuna sheegay in uu ahaa qalab lagula soconayo cimilada kasoo la buufiyay. Dhacdadan - iyo caradii ka dhalatay arrintani ka dib - waxay kor u qaadeen xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Beijing. Axaddii, sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in Maraykanku uu la xiriiriyay xukuumadda Beijing kadib markii la arkayay qalabkii ugu horreeyay xilli uusan wax jawaab ah ka helin dhowr maalmood, Ilaa hadda ma cadda waxa ay ka wadahadleen. Tan iyo dhacdadaas, diyaaradaha dagaalka Mareykanka waxay soo rideen saddex walxo oo kale oo hawada marayay. Madaxweyne Biden ayaa Jimcihii amar ku bixiyay in lasoo rido qalab dul heehaabayay hawada gobolka Alaska, Sabtidii waxaa la soo riday qalab kale oo marayay hawada Yukon ee waqooy galbeed dalka Canada. Saraakiishu si cad uma aysan aqoonsan halka laga soo diray iyo ujeeddada qalabka, Mareykanka iyo Canada ayaa wali ka shaqeynaya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen haraadiga qalabka lasoo riday balse waxaa dadaalladdaas caqabad ku noqotay xaaladda ka jirta badda Arctic. ""Walxahan la arkay iskuma eko, waxayna aad uga yaraayeen, buufintii hwada lagu arkay [4-tii bishan] si dhab uma faahfaahin karno tan iyo inta aan ka arkeyno haraadiga qalabka lasoo riday"" ayuu yiri afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad. 4-tii bishan February: Milateriga Mareykanka wuxuu soo riday buufin looga shakiyay inay basaas aheyd waxaana lagu arkay xeebaha South Carolina. Maalmo ayay dul wareegaysay hawada Maraykanka, waxayna saraakiisha sheegeen inay laga soo diray Shiinaha ayna basaaseysay goobo xasaasi ah 10-kii bishan February : Maraykanka waxa uu qalab kale ku soo riday hawada waqooyiga Alaska kaas oo ay saraakiisha sheegeen in aanu lahayn nidaam xakameynayo qalabka. 11-kii bishan February : Diyaarad dagaal oo uu Mareykanka leeyahay ayaa soo ridday ""qalab hawada sare ku duulayay"" oo dul heehaabeyay dhulka Yukon ee dalka Canada, oo qiyaastii 100 mayl u jira soohdinta Mareykanka. Waxaa lagu tilmaamay inay tahay qalab ka yar buufintii hore ee lagu arkay hawada Mareykanka. 12-kii bishan February: Diyaaradaha Mareykanka ayaa soo riday qalab afaraad oo dul heehaabayay ah meel u dhow harada Huron." https://www.bbc.com/somali/articles/cd1n2g7qqjdo +politics Dowladda Mareykanka oo ka hadashay walxo duula oo lagu arkay hawada "Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in wax faahfaahin ah aysan ka bixin karin walxo duula oo aan la garan waayay waxa ay yihiin. Duuliyeyaal ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa horraantii bishan walxahaas ku arkay hawada Mareykankan. Dowladda waxay meesha ka saartay in walxahana qalab hawada loo soo diray. Warbixin kasoo baxday waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka ayaa sheegtay in 144 dhacdo laga soo tebiyay hawada tan iyo 2004-tii balse mid kamid ah haatan la garan la'yahay isla markaana aanan wax sharraxaad ah laga bixin karin. Aqalka Koongareeska ayaa horraan codsaday in la baaro walxahaas kadib markii duuliyeyaal ka tirsan militeriga ay walxahaas kusoo arkeen hawada Mareykanka. Horraantii bishan ayay aheyd markii dowladda ay warbixin kasoo saartay howlgal ay sameeyeen milatariga Mareykanka oo sanadkii la soo dhaafay lagu baarayay walxo duula oo aan la garan oo tobnaankii sano ee la soo dhaafay lagu arkayay hawada Mareykanka. Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka, (Pentagon), ayaa sheegtay inay dooneysay inay wax badan ka fahanto walxahan, oo loo soo gaabiyo (Yovuz), si loo go'aansado inay khatar ku yihiin ammaanka qaranka iyo in kale. Warbaahinta CBS ayaa barnaamijkeeda 60 Daqiiqo ku wareysatay duuliyeyaal ciidamada badda ee Maryekanka ka tirsan, kuwaas oo arkay walxo duula oo aan la garaneyn, kuwaas oo u duulayay si ka xawaare dheereysa wax walba oo duula oo ay garanayaan. Duuliyaha howlgabka noqday ee Ryan Graves ayaa sheegay in shirkadda Jet Squadron, ee uu la shaqeyn jiray, ay bilowday in sanadkii 2014 ay aragtay walxo duula oo maraya aagga la mamnuucay ee Virginia. Wuxuu intaa sku daray in walxahan aysan sii deyn qiiq la arki karo, iyagoo ku duulaya xawaare sare oo aan lagu qiyaasi karin teknolojiyadda haatan jirta. Dowladda Mareykanka oo soo saartay digniin saameyn karta madaxweyne Farmaajo Mareykanka oo si kulul uga hadlay kalsoonida doorashada Itoobiya Mareykanka oo difaacay badqabka diyaaradda Boeing 737 Max 8 Wuxuu sidoo kale sheegay in dhacdo noocaas oo kale ah la arkay xilli uu tababar duuliyenimo ah uu ka socday xeebta Atlaantikada, iyadoo walxahaas la arki jiray inta badan si maalinle ah muddo labo sano ah."" Labo bilood kahor, Pentagon-ka ayaa shaaciyay saddex muuqaal oo muujinaya waxa lagu sheegay ""xaalad cimilo oo aan sharraxaad laga bixin"". Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay inay dooneyso inay meesha ka saarto wax walba oo madmadow ah oo ku saabsan xaqiiqda muuqaalladaas oo la soo dusiyay sanaidhii 2007 iyo 2017." https://www.bbc.com/somali/57625408 +politics Shiinaha miyaa duqeeyay Saldhigga Mareykanka mise waa muuqaal been ah? "Sida wararka lagu sheegay, muuqaal dacaayad ah oo ay sameeyeen militariga Shiinaha oo laga jilay weerar duqeyn ah, waxaa loo adeegsaday muuqaallo kooban oo laga keenay aflaan Hollywood ah oo ay ka mid yihiin Transformers iyo The Rock. Muuqaalka waxaa laga arkay diyaaradah qaada nukliyeerka oo weerrarro isku xigxiga ku qaadaya wax u muuqday saldhigga militariga Mareykanka ee Jasiiradda gacanka Guam. Muuqaalkaas waxaa daawatay in ka badan shan milyan oo qof oo isticmaala bogga bulshada Shiinaha ee Sina Weibo. Balse dad badan oo adeegsada bartaas ayaa ku jeesjeesay Shiinaha waxayna sheegeen in uu adeegsaday muuqaallada aflaanta Hollywood-ka. ""Waa nasiib darro in Shiinaha uusan dhowreynin xuquuqda lahaanshaha muuqaalka,"" ayuu yiri qof ku kaftamayay arrintaas. ""Ma waxaa laga soo xaday filim Mareykan ah?... Aniga uun... haha"" ayuu qoray qof kale oo aragtidiisa ka dhiibtay. Mid seddaxaad ayaa yiri: ""Ha adeegsanina muuqaallada kooban ee dalalkaas qaabka daran. Dadka Twitter-ka ayaa inagu jeesjeesaya waxaanna darmeemayaa xanaaq."" Muuqaalka oo labada daqiiqo ah, loona bixiyay 'Weerarka Gods of War'! - waxaa baahiyay ciidamada Cirka ee Shiinaha, Sabtidii. Waxaa la dul saaray muusiko aad cajiib iyo argagax u leh, waxaana ka muuqday Madaafiicda H-6 oo lagu weeraray wax loo ekeysiiyay Saldhigga Ciidamada Cirka Mareykanka ee Andersen. ""Waxaan nahay difaacayaasha amniga hawada ee dalka hooyo; waxaan leenahay awood iyo kalsooni aan markasta ku difaacno hawada dalka hooyo,"" Sidaas ayey ciidanka Shiinaha ku dul qoreen muuqaalka. Balse dadka adeegsada baraha bulshada waxay isla markiiba garteen in muuqaalka laga soo jarjaray wax u ekaa filimkii Transformers: Revenge of the Fallen, The Rock iyo Hurt Locker. Militariga Shiinaha weli si rasmi ah ugama aysan hadlin dhalleeceynta loo jeediyay. Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan militariga oo la hadlay wargeyska South China Morning Post, waxay sheegeen in wax iska caadi ah ay tahay in qeybta xayeysiinta ciidamada ay muuqaallo ""ka soo amaahadaan"" aflaanta Hollywood. ""Inta badan dhamaan askarta waxay ku barbaareen iyagoo daawanaya aflaanta Hollywood, marka maskaxdooda waxaa xiriir dhow la leh filimada dagaalka ee Mareykanka,"" waxaa sidaas laga soo xigtay qofka hadlay. Muuqaalka waxaa lagu soo aadiyay xilli ay Ciidamada Shiinaha sameynayeen dhoolatus Militari oo ka dhacay meel u dhow Taiwan. Sidoo kale waxaa sare u sii kacaya xiisadda u dhexeysa Shiinaha iyo Mareykanka iyadoo sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha dibadda ee Mareykanka uu booqanayo Jasiiradda Taiwan. Shiinaha wuxuu Taiwan u arkaa gobol dalkiisa ka tirsan, balse Jasiiradda waxay isu aragtaa dowladda Madaxbannaan. Collin Koh, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Difaaca iyo Istiraatiijiyadda ee Singapore, wuxuu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in ""muuqaalka uu yahay digniin ku socota Mareykanka kaas oo ah in xitaa haddii dagaal uu bilowdo in Guam ay halis ku jirto, iyo marka uu dhammaado in Taiwan iyo Badda Koonfurta Shiinaha ay qad cas noqon doonaan.""" https://www.bbc.com/somali/war-54246494 +politics Habka doorashada Maraykanka ee ka duwan dunida oo dhan "Doorashada madaxtooyada ee dalka Maraykanka ayey ka hadhsanyihiin wax ka yar 100 maalmood. Laakiin waxa suurto gal ah musharaxa codadka ugu badan ka hela shacabku aanu noqon ka ku guulaysta madaxtinimada. Arintan ayaa sababteedu waxay tahay in madaxweynaha aanay toos u dooran codbixiyeyaashu, laakiin ay doortaan gudiyo la yidhaa Electoral College, oo ah guddiyo gobolladu leeyihiin oo ah gole codbixineed. Marka shacabka Maraykanku u dareeraan codbixintan doorashada madaxtinimada waxay codkooda siinayaan saraakiil ka tirsan golayeasha codbixineed. Erayga ""gole"" marka loo adeegsanayo doorashada Maraykanka waxa loola jeedaa koox masuuliyad wadareed saarantahay. Waana dadkaas kuwa ay tahay shaqadooda in ay doortaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen. Maraykanka: Dacwad lagu oogay ""basaasiin"" Shiine ah oo xaday cilmi-baadhis Covid-19 ah Shirweynaha xisbiga Trump ee Jamhuuriga oo aan warbaahintu ka qayb gali doonin Goleyaasha codbixineed waxay kulmaan afartii sannadood ba mar oo ah dhawr todobaad ka dib maalinta doorashadu dhacdo si ay u gutaan waajibkaa saaran. Tiradada xubnaha gole codbixineed ee gobol yeelanayaa waxay ku xidhantahay bedka iyo tirada dadka ku nool gobolkaa. Waxa jira 538 gole codbixineed oo dalku leeyahay. Gobolka California ayaa leh golaha ugu badan ee codbixineed oo ah 55, halka gobollo kale oo dhawr ah oo aan dadkoodu badnayni sida Wyoming, Alaska iyo North Dakota ay iyaga goleyaashoodu ka kooban yihiin saddex xubnood. Xubin kasta oo ka mid ah gole codbixineed waxay leedahay hal cod, markaa musharaxa ay tahay inuu ku kuulaysto madaxtinimadu waa inuu helaa aqlabiyada codadkaas oo ah 270 iyo dheeraad ah si uu madaxweyne u noqdo. Badanaa gobollada goleyaashooda codbixineed waxay codkooda siiyaan hadba musharaxa codadka ugu badan ka hela shacabka gobollada ay metelaan. Tusaale ahaan, hadii musharaxa Jamhuurigu ka helo 50.1% codadka shacabka gobolka Texas, wuxuu helayaa codadka golaha codbixineed ee gobolka oo ah 33 cod. Waxa jira laba gobol oo keliya (Maine iyo Nebraska) oo codadka goleyaashooda codbixineed lagu qaybiyo sida ay u kala heleen musharaxiintu codadka shacabka ee gobolladaas. Midowga Yurub oo diiday in looga soo dhoofo Maraykanka iyo Shiinaha Waana sababta ay musharaxiinta madaxweynenimadu ugu dedaalaan in ay kasbadaan gobolladaa codadka goleyaashooda codbixineed la kala jiidan karo, ee gobolkaa golehiisa codbixineed dhankii uu doono codka siin karo ee aanay xoogga u saarin in ay codad badan ka helaan dalka oo dhan. Gobol kasta oo uu ka helo musharaxu codadka gole codbixineedkiisu waxa ay ka dhigantahay in uu u sii dhaweynayo guusha uu ku heli karo 270 cod oo uu ka helo gole codbixineedyadas. Haa way dhici kartaa. Waa suurto gal in musharax ka helo shacabka codadka ugu badan guud ahaan dalka laakiin uu ku guul darraysto inuu helo codadka gobollada ee gole codbixineedyada si uu u helo 270 cod oo ka mid ah codadkooda. Run ahaantii, laba ka mid ah shantii doorasho ee ugu dambeeyey ayaa waxa madaxtinimada ku guulaystay musharax codad yar ka helay shacabka guud ahaan. Sannadkii 2016 Donald Trump codadka uu shacabka ka helay waxay ku dhawaad saddex milyan oo cod ka yaraayeen inta ay heshay Hillary Clinton, laakiin madaxtinimadii isagaa ku guulasystay sababtuna waxay ahayd inuu isagu helay aqlabiyada codadka goleyaasha codbixineed. Sannadkii 2000 ayaa Goerge W Bush wuxuu 271 cod ka helay goleyaasha codbixineed laakiin kumuu guulaysan aqlabiyada codadka shacabku toos u dhiibteen in kasta oo Al Gore, musharaxii Dimuqraadiga ee la tartamayey codadka uu shacabka ka helay ka badnaayeen nus malyuun intii Bush helay. Saddex madaxweyne oo keliya ayaa Maraykanka ku guulaystay madaxtinimada iyaga oo aan helin aqlabiyada codadka shacabka, dhamaantoodna waxay xilka hayeen qarnigii 19, waxaanay kala ahaayeen John Quincy Adams, Rutherford B Hayes iyo Benjamin Harrison. Markii dastuurka Maraykanka la qorayey 1787 waxaa suurto gal noqon weyday in cod dadweyne lagu doorto madaxweynaha. Sababtu waxay ahayd dalka oo aad u weynaa oo isgaadhsiintuna aad u adkayd. Isla waagaa waxa sidoo kale aan la isku wada raacsanayn in la aqbalo in madaxweynaha ay doortaan wakiillo shacabku soo doorteen oo magaalo madaxda Washington fadhiya. Markaas ayaa dadkii qorayey dastuurku waxay abuureen qaabkan gole codbixineed ka ah oo gobol waliba soo xulanayo xubihiisa. Gobolada yaryar ayaa hanaankani awood badan siiyey si ay go'aan ugu yeeshaan doorashada madaxweynaha maadaama oo gobollada kale ka dad badan yihiin. Hanaanka gole codbixineedyadu waxa kale oo uu awood siiyey gobollada koonfureed oo dadkii la adoonsan jiray bulshada ku dhaqan qayb weyn ka ahaayeen. In kasta oo aanay dadkii adoomaha ahaa cod lahayn, hadana waxa lagu daray tirintii tirakoobka lagu jaan goynayey bulshada gobolladaa ku nool oo qofka adoonka ah waxa lagu qiimeeyey waagaa inuu u dhigmo saddex daloolow dalool qofka xorta ah. [macnaheedu yahay in saddexdii qof ee adoomi ahi ay u dhigmaan hal qof oo xor ah]. Maadaama oo tirada golaha codbixineed ay ku xidhnayd bedka iyo tirada dadka gobolka ku nool, gobollada koonfureed waxay awood badan ku yeesheen doorashada madaxweynaha maadaama oo ay tiro badan oo goleyaal codbixineed ah yeesheen. Gobollada qaarkood xubnaha gole codbixineedyadu waxay u codayn karaan musharaxa ay doonaan iyaga oo aan tix gelinayn cidda shacabku codka ugu badan siiyeen. Laakiin xaqiiqadu waxa weeyi in xubnahaas ay had iyo goor u codeeyaan mushraxa ku guulaysta aqlabiyada codadka shacabka ee gobolkooda. Hadii xubin ka tirsan gole codbixineedka gobol codka siin waayo musharaxa hela codadka ugu badan ee gobolkooda waxa lagu sheegaa ''damiir laawe"". Sannadkii 2016 ayaa todoba xubnood oo gole codbixineed sidaa u codeeyeen laakiin natiijadii waxba kamay bedelin xubnahaa damiir laaweyaasha noqday. Golaha wakiilada, oo ah aqalka hoose ee golaha sharci dejinta Maraykanka ayaa markaas oo kale u codaynaya doorashada madaxweynaha. Arintani waxay dhacday mar keliya oo ahayd 1824 waagaas oo musharaxiinta midkoodna heli waayey cod aqbaliyad ah oo kuwa goleyaasha codbixineed ah. Maadaama se oo laba xisbi oo qudha ay ku keliyeysteen hanaanka Maraykanka, suurto gal ma aha in ay haatan taas oo kale dhacdaa." https://www.bbc.com/somali/53711726 +politics Askari madow ah oo ka tirsan militariga Mareykanka oo dacweeyay boolis ku xadgudbay "Gaashaanle madow ah oo ka tirsan militariga Mareykanka ayaa dacwad ka gudbiyay laba askari oo boolis ah oo inta ay joojiyeen ka dibna hub ku taagay, basbaasna indhaha kaga shubay. Gaashaanle, Caron Nazario, ayaa kamerada ku xiran dharka askarta booliska ka soo muuqday, isagoo dareeska militariga xiran, waxaana xilligaas lagu xiray saldhig boolis oo ku yaalla Virginia. Waxay arrintaas dhacday bishii Decemebr. ""Dhab ahaantii waxaan ka cabsanayaa in aan gaariga ka soo baxo,"" ayuu u sheegay labada askari ee booliska ah. ""Haa waa in aad cabsataa,"" ayuu ugu jawaabayaa mid ka mid ah askartaas. Booliska ayaa sheegay in ay ninkaas u joojiyeen inuu ku guuldarraystay inuu muujiyo taarikada gaarigiisa, balse taariko ku meel gaar ah oo ku xiran gaariga ayaa laga arkay muuqaalka. Askerigaas ka tirsan militariga Mareykanka ee madowga ah, ayaa xilligaas gacmaha laga xiray, ka dibna waxaa la baaray gaarigiisa. Wuxuu markaa booliska waydiinayay sababta ay xoogga ugu isticmaalayaan. Askariga booliska ayaana ugu jawaabaya: ""Sababtoo ah amarka maadan qaadan."" Markii lagu waayay wax dembi ah ayaa laga siidaayay saldhigii boolis ee lagu xiray. Dacwada laga diiwaangeliyay Maxkamadda Mareykanka ee degmada Norfolk ee gobolka Virginia, wuxuu askariga milateriga ah uga ashtakoonayaa labada askari oo ka tirsan waaxda booliska ee Windsor. Labada askeri ee la dacweeyay waxaa lagu kala magacaabaa, Joe Gutierrez iyo Daniel Crocker, kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen xuquuqdiisa dastuuriga ah, taas oo ay ka mid tahay in ay weerrar xadgudub ah u geysteen, baaritaan sharci-darra ah iyo xarig aan sharciga ahayn na ku sameeyeen. Ma jirto wax jawaab ah oo durbadiiba ka soo baxday waaxda booliska ee Windsor. Dacwadda waxa ay imanaysaa xilli ay aad u sarayso baaritaanka lagu sameynayo xadgudubyada la sheegay in booliska ay kula kacaan dadka laga tirada badan yahay iyo midabtakoorka. Askarigii hore ee booliska, Derek Chauvin ayaa haatan loo maxkamadaynayaa dilkii ninkii madowga ahaa ee George Floyd. Muuqaalka ay duubtay kaamerada ku xiran dharka askarta ayaa duubtay Chauvin oo ah caddaan, oo Floyd jilibka kaga haya qoorta. Waxay arrintaas horseedday in caalamka oo dhan ay ka dhacaan dibadbaxyo loogaga soo horjeedo midab kala sooca Mareykanka. Gaashaanle Nazario, oo ah Madow iyo Latino, ayaa 5-tii Diseembar xirnaa dharka militariga Mareykanka wuxuuna ku safrayay gaari ay ku dheggan tahay taariko ku meel gaar ah. ka dib waxaa joojiyay askar oo u sheegay in gaariga uu dhigo waddana dhankeeda. Waxaa lagu joojiyay kaalin shidaal, gacmihiisana kor ayuu u hayay isagoo weliba dariishadda ka soo bixiyay, waydiinayana askarta booliska sababta ay u joojiyeen. Qareen Jonathan Arthur, oo dacwaddaas ku matalaya Gaashaanle Nazario, ayaa sheegay in askariga militariga ah uu ogaa in ay muhiim aheyd in gacmihiisa uu sare u hayo. ""Ma uusan iska furi karin xariga gaariga, wax kale oo khalad u muuqanaya muusan samayn karin - oo wuxuu ka cabsanayay in ay dilaan,"" Arthur ayaa u sheegay warbaahinta CBS. Dacwadda uu gudbiyay Gaashaanle Nazario ayaa lagu sheegay in Gutierrez uu qiray sababta askariga militariga uu u sugay inuu gaariga kaga soo dego goob iftiin ah. ""Waan fahmayaa middaas, oo warbaahinta ayaa shaaciso wararka ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya ciidammada amaanka iyo kooxaha laga tirada badan yahay. Middaas waan ogahay,"" askariga booliska ah ayaa sidaas yiri, sida ku cad dacwadda laga gudbiyay dhacdadaas." https://www.bbc.com/somali/war-56714485 +politics Maxay Masar heshiisyo milatari ula galeysaa waddamada Itoobiya deriska la ah? "Madaxweyne C/fataax Siisi ayaa noqday madaxweynihi ugu horreeyey ee Masar oo booqdo dalka Jabuuti Muuqaal kooban oo ay baahisay madaxtooyada Masar ayaa laga dheehanayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa Masar oo sheeka isweydaarsanaya isla-markaana dhoolla caddeynaya sida iyaga oo weligood isyqaannay. Qaahirana waxay sheegtay ujeedda socdalka Sisi uu ku tagay Jabuuti iney tahay sidi loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale, milatari ama amni ee labada dal. Booqashada Sisi waxaa ka sii horreeyey shixnad raashiin iyo gargaar caafimaad isugu jira oo ay Masar ay u dirtay Jabuuti. Jabuuti ayaa ah dalka shanaad ee Itoobiya deriska la ah, iyada oo Masar seddexdii bilood ee la soo dhaafay ay xoojisay iskaashiga militari ee ay la leedahay waddamada Sudan, Ugnada, Burundi iyo Kenya. Tallaabbadan Qaahira ay gobolka ka waddo ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo dhowdahay xilligi ay Itoobiya billaabeyso buuxinta labaad ee biya xireenka weyn ee ay Itoobiya dhiseyso, iyada oo ay sii kordhayaan hadallada kulul ee ay isdhaafsanayaan labada dal ee salka ku hayo wabiga Nile. Bishii Maarso ee la soo dhaafay, Masar waxay heshiis militari la saxiixatay Suudaan, intii uu dalka Suudaan uu booqashada ku joogay Taliyaha Ciidanka Masar, Lieutenant General Mohamed Farid. Ka dib markii uu heshiiskaasi saxiixay General Farid wuxuu carrabka ku adkeeyay in Masar ay dooneyso inay ""xoojiso xiriirka ay la leedahay Suudaan oo dhinac walba leh, gaar ahaan dhinacyada militariga iyo amniga iyo midnimo iyadoo la eegayo istaraatiijiyadda gobolka iyo mid caalami ah. Masar iyo Suudaan waxay sidoo kale dhawaan qabteen saddex dhoolatus milatari oo wada jir ah oo ay ugu magac dareen magacyada: ""Nile Eagles 1"" iyo ""Nile Eagles 2"", oo kii ugu dambeeyay uu soconayo illaa dhammaadka bisha May ee sannadkan, laguna magacaabay ""Difaacayaasha Niilka."" Dhoollatuskan ""Nile Protectors"" waxaa ka qeyb galaya ciidamada dhulka, cirka iyo badda oo ka socda ciidamada qalabka sida ee labada dal. Masar oo kaalinta ""tababarka"" leh ayaa ku howlan sidii loo horumarin lahaa wada shaqeyn dhexmarta ciidamada qalabka sida ee Masar iyo Suudaan."" Khabiirka sare ee Milatariga Masar, Sarreeye Guuto Safwat Al-Zayat, wuxuu sheegayaa in farqiga u dhexeeya dhoollatuska milatari ee wadajirka ah ee Masar iyo Suudaan ""Ilaaliyayaasha Niilka"" iyo wixii ka horreeyay, ""The Nile Eagles 1"" iyo ""The Nile Eagles 2"", waxay muujineysaa iney ciidamadu u dhawaadeen xadka Suudaan iyo Itoobiya. Al-Zayat wareysi uu siiyay BBC News Carabi wxuu ku sheegay arrimahan iney gacan ka geysanayaan in tani ay gacan ka geysaneyso sidii loo heli lahaa khibrad iyo tababar ku saabsan jawiga dagaal ee ka jira halkaas, oo ah midda ugu dhow bartilmaameedyada ay Masar kala macaamili karto militariga Itoobiya, haddii ay go'aansato inay sidaas sameyso. Wuxuu intaasi ku daray iney ciidamada Suudaan iyo Masar ay ku soo dhawaadan bartilmaameedkooda ay sawir ka bixineysa waddamadu sida ay suurtagal u tahay haddii loo baahdo inu guluf colaaded qaadi karaan. Sarreeya Gaas Sameh Saber Al-Degwi oo ah madaxa wafdiga Masar ahna ku xigeenka madaxa sirdoonka Masar, bayan uu soo saray oo ay dowladda Uganda daabacay , safaaradda Masar ee Kampalana ay dib u daabacday axaa lagu sheegay ""Dalalka Masar iyo Uganda waa iney iskaashi ka yeeshaan arrimaha wabiga Nile maadaamaa labada dalba arrintaasi saameyn taban ku yeelaneyso."" Maalma kaddibna waxay Masar waxay heshis Miltari oo kaa la mid ah la saxiixatay dalka Burundi. Arbacadi la soo dhaafayna taliyaha guud ee militariga Masar wuxuu ku sugnaa dalka, iyada oo wasaaradda gaashaan dhigga Kenya ay sheegtay iney labada dal wada galeen heshiis iskaashi militari oo labad dal faa'ido badan u leh. Masarna waxay sheegtay waddamada ay dhawaan heshiiska miltari la saxeexatay iyo waddamada kale oo gobolka ku yaallaba iney horay iskaashi miltari ula gashay. Itoobiya waxay faallo ka bixisay dhuullatuska militari ee looga magacdaray ""Ilaaliyeyaasha Niilka"" oo ay si wadajir ah u sameeyeen Masar iyo Suudaan. ""Xaq beey u leeyihiin labada dal iney sameystaan dhoollatus ciidan oo wadajir ah haddii ay u arkaan iney maslaxadooda ku jirta,"" ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dina Mufti. Baraha bulshada ee Masar, Suudaan iyo Itoobiya waxaa hareeyay faallooyin ku saabsan suurtagalnimada iska hor imaad milatari oo u dhexeeya Masar iyo Suudaan oo dhinac ah, iyo Itoobiya dhinaca kale, iyo sidoo kale doodo ku saabsan awooda militari ee saddexda dal. Falanqeeyaha siyaasadeed ee Itoobiya, Abdul Shakuur Abdul Samad, ayaa sheegaya in isbarbardhiga awoodaha militariga aan lagu xallin doonin tiro ahaan iyo xoogga hubka xaaladda gobolka ka taagan. ""Waxaan aaminsanahay iney heshiisyada Militari ee ay Masar la gaareyso waddamada gobolka iney muhiimad badan laheen arrinta biyo-xireenka ay Itoobiya dhiseysana aan xoog lagu xallin karin"" ayuu yiri Abdulsamada oo ka faallooda arrimaha Itoobiya. Masar, Suudaan iyo Itoobiya ayaan kuma guuleysan inay gaaraan heshiis ku saabsan buuxinta iyo ku shaqeynta biyo-xireenka, 10-kii sano ee wada-xaajoodka dhexmarayey. Balse bilihii la soo dhaafay, areyda ay adeegsanayeen Masar iyo Suudaan ayaa ahaa kuwa kulul oo ka duwan kuwii horay loga bartay, xilli ay gudaha Itoobiyana ka socdaan kacdoon shacab oo dhinacya badan saameeyey. Inkasta oo uu Mareykanka uu dadaal xooggan ugu jiro sidii ay seddexda dal ugu soo laaban lahaayeen wadaxaajoodka seddex geesoodka oo khilaafkana heshiis waara looga gaaro ka hor inta ay itoobiya buuxinta labaad ee biya xireenka billaabin, haddana Masar waxay sii xoojisay dadaalka ay ugu jirto taageero diblumaasiyadeed sidi ay caalamka uga heli lahayd. Khubara badan oo dhuun daloola siyaasadda gobolka iyo khilaafka ku gadaaman wabiga Nile waxay aaminsan yihiin inuu sababi karo dagaal Militari oo seddexda dal ka dhax qarxo. Balse talaabbada Militari ee ay khubaradu ka digayaan, Madaxweyne Sisi oo mar ka hadlay wuxuu sheegay, ""Iney ka dhal karto xasilooni darra ka dhacda gobolka oo dhan, waxa ka iman karana an la saadaalin karin,""" https://www.bbc.com/somali/war-57297916 +politics Ciidamadii Afrikanka ahaa ee hoggaanka u qabtay iska hor imaad aan waxbadan laga ogeyn ee dagaalkii labaad? "Howlgal xoogan oo loo yaqaanay D-Day Landings, kuma koobneyn oo keliya xulafadii Faransiiska xilligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida. Bishii August - laba bilood ka dib markii uu weerarkan dhacay - waxa la sameeyey howlgelin ballaaran si ciidamada ay uga tagaan kuwii Jarmalka. Sannad guurada dagaalkan waxaa looga dabaal dagaa Faransiiska iyada oo ay ka soo qayb galaan madax ka tirsan qaaradda Afrika, sannadkan madaxweynaha Faransiisaka Emmanuel Macron wuxuu soo dhaweeyey madaxda dalalka Ivory Coast iyo Guinea, Alassane Ouattara iyo Alpha Conde. Saraakiil ka tirsan dalal ay gumaysteen Faransiiska oo ka koobnaa saddex jibbaar ciidamadii Faransiiska ee 1944-tii ayaa guuldarro kala kulmay duullaankii 1940-kii. Waxa lagu qiyaasaa in ciidamo Afrikan ah oo ka badan hal milyan ay ka barbar dagaallameen xulafadooda, dagaalkii labaad ee adduunka. Dagaalkan oo lagu waday inuu dhaco 6-dii bishii June ee 1944, ayaa la hakiyey ka dib markii khayraadkii loogu talagalay la waayay. Hase yeeshe, waxay noqotay lagama maarmaan ka dib markii dadaalo xooggan oo ay xulafada Jarmalka ay culeys hor leh saartay. Ujeedada ayaa ahayd in la badbaadiyo dekadaha Faransiiska ee saaran badda Mediterranean, taas oo bilow u noqotay dagaallo hor leh si culays loo saaro Jarmalka. Howlgalka Dragoon ayaa kala qeybsanaan ka dhex abuuray militariga. Ingiriiska wuxuu ka soo horjeeday duullaan hor leh oo Faransiiska uu qaado balse wuxuu xoogga saarayay dadaalladii uu ku doonayay in howlgal ay xulafadiisa qeyb ka yihiin lagu qaado Taliyaaniga. Xog laga soo xigtay milateriga Maraykanka ayaa lagu sheegay in howlgalka ay ka qayb galeen ciidamo gaarayay 500,000 oo ku dhawaad 230,000 oo ka mid ah ay ahaayeen Faransiis. Weerarka ayaa ka howl fududaa marka la barbardhigo D-Day Landings, iyadoo la sheegay in markii ugu horeysay, awoodda xoogaggii Jarmalka la wiiqay tan iyo duullaankii koowaad. Weerarkii hore wuxuu qaatay laba bilood iyo seddax isbuuc, balse Dragoon waxaa lagu soo gabagabeeyey muddo bil ah. Taariikhyahan dhanka dagaallada ku taqasusay oo u dhashay Ingiriiska, Antony Beevor, ayaa sheegay in dhaliilaha ay yihiin in howlgalkii labaad loo isticmaalay khayraad saamayn toos ah ku lahaa dagaalkii qaboobaa. Dooda ayaa ahayd in loo baahnaa inay isticmaalaan midowgii Soviet si ay uga hortagaan in dalalkii bariga Yurub ay yeeshaan awood u gaar ah. Dadaalkii ay sameeyeen askartii ka soo jeeday Afrika ""ayaan weligii heli doonin qadarin"". Ciidamadii Afrikaanka ahaa ayaa xarumihii Faransiiska laga kexeeyay dhammaadkii sannadkii 1944. Balse 2017-kii, Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande waxa uu ku dhawaaqay in ciidamadii Afrikaanka ahaa ee dagaalkii labaad ee dunida ka qeybgalay ay mudan yihiin magdhow." https://www.bbc.com/somali/war-49369002 +politics """Wiilkeygu dad ma dilin, dad ma dhicin, ma aqaan dambiga Mareykanka looga musaafurinayo""" "Ku dhawaad 100 qof oo Soomaali ah ayey dowladda Mareykanka qorshanaysaa in maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee foodda inagu soo haya ay ka musaaafuriso dalka Mareykanka oo ay dib ugu celiso waddanka Soomaaliya. Arrintaas waxaa qoysaska dadka la musaafurinayo u xaqiijiyay qareennada u doodaya dadkaas xabsiyada ku jira, kuwaas oo qaarkood dambiyo kala duwan lagu helay halka ay jiraan kuwo dambi aanan gelin, hasayeeshee loo diiday in qaxootinimo loo qaabilo amaba daganaansho dalka laga siiyo. Hooyo magaceeda ku soo koobtay Maryama oo ka mid ah dadka caruurtooda loo musaafurinayo Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay aad uga murugeysan yihiin. Waxay sheegtay in wiilkeeda oo dhowr labaatan jir ah aysan jirin wax dambi ah oo uu galay islamarkana aysan aqoon sababta loo musaafurinayo. ""Wiilkeygu dad ma dilin , dad ma dhicin, guri ma xadin,darooga ma cunin, wiilkayga dambiga Mareykanka looga kaxeeyanayo anagu waan garan waaynay,"" ayay tiri hooyo Maryan. Hooyo Maryamo ayaa xustay in wiilkeeda qareen badan ay u qabatay, balse mar walba kiiska looga guuleysto. Waxay xustay in ay ka sii murugeysan tahay caruurta ay Ayeeyada u tahay ee aabahood la musaafurinayo. ""Anagana waan rafaadnay,qareenno badan ayaan u qabanay , in badan ayaan looyaro u raadinay, midkaan u tagnaba waa lagaga guuleystay kiiska, aad iyo aad baan u rafaadnay, waxaan aad iyo aad uga xumahay caruurtiisa yaryar iyo aabahood oo la kala kaxeynayo,waa caruur aad u yaryar, waa 4 jir, labo jir iyo wax aan sanad gaarin"", ayay tir hooyo Maryan. Maryan ayaa farta ku fiiqday in wiilkeeda uusna Somaaliya waxba ka aqoon islamarkana uusan jirin wax ehel ah oo uga horeeya. ""Xaggaas wax dad ah uma joogo, qoyskiisa halkan ayuu wada joogaa hooyo haday tahay, aabo haduu yahay, wax dad ah oo ka sii horeeya ma laha,"" ayay tiri Hooyo Maryan oo ay murugo ka muuqatay. Hay'adda lagu magacaabo Cair waa hay'ad u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka qeybta minnesota waxayna walaac ka muujisay dadkan Soomaalida ah ee laga musaafurinayo dalka Mareykanka. Madaxa hay'adaasi Jeylaan Xuseen ayaa BBC u sheegay in dadkani loo haysto waxyaabo kala duwan, balse ay u badan yihiin dad aan haysan sharciga Mareykanka. ""Dambiyada lagu haysto waa dambiyo kala duwan, inta badan waa sharci la'aan, waa dad sharcigii dalbaday oo sharcigii loo diiday ayaa ku jira dadka hadda la musaafurinayo,"" ayuu yiri Mr Jeylaani. Mr Jeylaani Ayaa intaa ku daray in xiriir ay la sameeyeen safaaradda Soomaliya ee Washinton islamarkana ay arrintan kala hadleen. Waxaa uu intaa ku daray in dowladda Sooamaliya ay tahay in ay soo faragaliso arrintan oo ay a qeyb ka qaadato sidii looga hortagi lahaa musaafurinta dadka Sooamalida ah. ""Runtii waan la wada xiriirnay , safaaradda waan la xiriirnay, dad badana waan la xiriirnay, haddana waxaan rabnaa dowladda Soomaaliya inay go'aan ka gaarto ayaan rajeynaynaa sidii dadkan laga joojiyo in la musaafuriyo,"" ayuu yiri Mr Jeylaani. Madaxa hay'adda u dooda xuquuqda Musliminta Mareykanka ayaa dhanka kale ka digay in dadka Mareykanka laga musaafurinayo lana gaynayo Soomaliya ay qarakood qabaan Corona islamarkana ay dalka gaarsiin karaan xanuunka. ""Dadkani waxaa jira dad qaba cudurkii Covid-19, waxaa laga yaabaa xitaa dadka ay diyaaradda isla saaran yihiin inay qaadsiiyaan wadankiina gaadhsiiyaan,"" ayuu intaa ku daray Mr jeylaani. Tan iyo intii uu xilka madaxwaynanimada Mareykanka la wareegay madaxwayne Donold Trump waxaa Mareykanka laga musaafuriyay dad badan oo ay Soomaali ku jiraan. Arrintan ayaa waxaa horey walaac uga muujiyay hay'adaha u dooda xuquuqul insaanka oo ak digay in meelaha lagu celinayo ddaka qaar ay yihiin goobo aan amnigoodu wanaagsanayn." https://www.bbc.com/somali/war-54172907 +politics Afar qof oo ku dhintay weerarkii xarunta Kongareeska Mareykanka "Haweeney ayaa lagu soo warramayaa in lagu toogtay weerarkii lagu qaaday dhismaha Capitol ee magaalada Washington, kaddibna dhaawac soo gaaray ay u geeriyootay. Sidoo kale saddex qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarkaas, kuwaasoo kala ahaa haweeney iyo labo nin. Ugu yaraan 14 ka tirsan booliiska ayaa sidoo kale la sheegay inay dhaawacmeen. Labo ka mid ah ayaa isbitaalka loola cararay, midkood ayaa dhaawac culus qabay kaddib markii ay dibadbaxayaasha dhulka ku jiideen. Taageerayaasha rabshadaha wata ee madaxweyne Donald Trump ayaa jabiyay xarunta loo yaqaan 'Capitol' ee magaalada Washington, iyadoo xildhibaanada ay kulmeen si ay u xaqiijiyaan in madaxweynaha la doortay Joe Biden uu ku guuleystay doorashada. Muuqaallada qaar ayaa muujinayay banaanbaxayaasha oo isugu soo xoomay dhismaha iyadoo xubnaha Congress-ka ay la cararayaan booliska. Mr Biden wuxuu sheegay in ficilku uu ahaa ""inuu hada dhamaado"", Mr Trump wuxuu sii daayay fariin muuqaal ah oo uu taageerayaashiisa kaga codsanayo inay guryahooda aadaan Kalfadhigii wadajirka ahaa ee Congress-ka ee lagu cadeenayay guushii Mr Biden ayaa la hakiyay laguna qasbay in lagu kala tago. Waxaa jira warbixino sheegaya in qoryo lala soo baxay gudaha dhismaha waxaana ugu yaraan la toogtya hal qof hal qof . Iska hor imaad hub la isu adeegsaday ayaa ka dhacay albaabada Aqalka Golaha Wakiilada. Waxaa sido kale la adeedsaday sunta indhaha ka ilmeeysiisa. Kongareeska Mareykanka ayaa dib u bilaabay xaqiijinta natiijada doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii la soo dhaafay ka dhacday dalkaas, kaddib markii koox ka tirsan taageerayaasha Madaxweyne Trump ay ku xoomeen dhismaha Capitol Hill iyagoo isku dayaya in la laalo natiijada. Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, iyo hoggaamiyeyaasha aqalka sare iyo aqalka wakiillada ayaa cambaareeyay isku dhacii halkaasi ka dhacay iyagoo sheegay inay sii wadi doonaan kulanka kongareeska. Tiro xulafada Trump ka mid ah oo Aqalka Sare ka tirsan ayaa iyagu diidmo ka muujiyay xaqiijinta natiijadii doorashada. Dhanaka kale madaxweynaha waqtiiga sii dhammaanaya ee Trump ayaa muqaal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isaga baxaan dhismaha Capitol balse weli wuxu ku anadcoonayaa in Dimuqraadiyiinta ay xadeen codadka doorashdii uu ku guuleystay Biden. Afhayeenka madaxweyne Trump Kayleigh McEnany, ayaa boggeeda Twittrer-ka ku sheegtay in Ciidamo Ilaalada Qaranka lagu daad-gureeyay halkaasi. Ciidamo ayaa sidoo kale laga abaabulay gobollada dariska ah. Waxaa la arkayay dibadbaxaaysha oo dhexmaraya gudaha dhismaha iyagoo ku qeylinaya erayo ah "" Waxaan dooneynaa Trump"" Waxaa sidoo kale la sawiray mid ka mid ah dibadbaxayasha oo ku fadhiya kursiga madaxweynaha ee Aqalka senet-ka. Duqa magaalada Washington ayaa ku dhawaqay bandow lagu soo rogay guud ahaan guud ahaan magaaladaasi. Dhinaca kale waxaa jira warar sheegay in dibadbaxyo ay ka ka socdaan gobollada Kansas iyo Georgia, gaar ahaana dhismayaasha golha sharci dajinta ee gobolladaasi Dhowr madaxweynayaashii hore ee Mareykanka ah ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii shalay ka dhacay dalkaas. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa arrintaasi si xooggan ugu eedeeyay Donald Trump, isagoo sheegay in inkastoo ay ceeb u soo jiideen Mareykanka, haddana aysan ahayn kuwo kedis ahaa. Sidoo kale xubno ka tirsan Jamhuuriga ayaa cambaareeyay arrintaas. Mike Gallagher oo Jamhuuriga ka tirsan ayaa sheegay in wixii shalay dhacay ay ahaayeen wax laga habboonaa. Sanatarka Ben Sasse ayaa isaguna sheegay in beentu ay cuqubo leedahay isla markaana qalalaasuhu uu ahaa mid aan laga baaqsan karin. Dhanka kalena, haweeneydii afhayeenka u ahayd Melania Trump, Stephanie Grisham, ayaa iyaduna is casishay. Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa la yaab iyo walaac ka muujiyay wixii shalay ka dhacay Mareykanka. Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la tixgeliyo hannaanka dimuqraadiyadeed. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa weerarkii lagu qaaday Capitol Hill ku tilmaamay inay ahayd wax aan Mareykanka lagu aqoon." https://www.bbc.com/somali/war-55568894 +politics Shacabka Nigeria oo dooranaya Madaxweynaha bedali doona Buhari Malaayiin shacabka Nigeria ah ayaa safaf dhaadheer u galay goobaha codbixinta, doorasho ay si weyn ugu loolamayaan xisbiyada ugu weyn waddankaas. Tan iyo 1999, xisbiga talada haya ee All Progressives Congress (APC) iyo kan mucaaradka ah ee Peoples Democratic Party (PDP) ayaa awoodda ugu badan ku lahaa Nigeria oo ah waddanka ugu dadka badan Afrika. Hase yeeshee waxaa sanadkan loolan adag ku haya musharrax ka socda xisbiga Labour, Peter Obi, kaasoo shacbiyad weyn ka haysta dhalinyarada Nigeria. Madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa ka degaya xilka, kadib markii uu dhamaystay laba muddo xileed oo min afar sano ah. Xisbigiisa APC ayaa waxaa u sharraxan barasaabkii hore ee Lagos, Bola Tinubu. Mucaaradka PDP waxaa u taagan Madaxweyne kuxigeenkii hore, Atiku Abubakar. Guud ahaan, waxaa doorashada ku tartamaya 18 musharrax. Sidoo kale waxaa maanta la dooranayaa xildhibaannada baarlamaanka. Goobaha codbixinta ayaan intooda badan ku furmin saacadii loogu talo galay, waxaana meelaha qaar shaqeyn waayay qalabka doorashada. Musharraxa ku guulaysta doorashada maanta ayaa waxaa horyaalla caqabado ay kamid yihiin dhaqaalo xumo baahsan, suuq gelinta lacagta cusub ee Naira, shaqo la’aan haysata dhalinyarada iyo amni darro horseeday dhimashada in ka badan 10 kun oo qof sanadkii tegay. Waa kuma Peter Obi? 61 jirkan ka tirsanaan jiray xisbiga PDP ayaa doonaya in Nigeria ay ka baxdo nidaamka ay labada xisbi uun awoodda isugu wareejiyaan, waxaana u uku tartamayaa tikidhka xisbiga Labour-ka. Waxa uu taageero ka helayaa dhalinyarada Nigeria, gaar ahaan kuwa gobollada Koonfurta, oo u arka inuu ka sumcad wanaagsan yahay labada musharrax ee kula loolamaya madaxtinnimada. Ninkan oo ah maalqabeen ganacsiyo leh ayaa 2006 ilaa 2014 waxa uu ahaa barasaabka gobolka Koonfur Bari, Anambra. Taageeryaashiisa ayaa sheegay in yahay siyaasi sumcad leh, hase yeeshee kuwa dhaliilsan ayaa ku doodaya in aanu haysan fursad uu ku guulaysan karo. Waa kuma Atiku Abubakar? Waa 76 jir sanado badan ku jiray siyaasadda Nigeria. Waxa uu ka soo jeedaa waqooyiga dalka oo ay u badan yihiin Muslimiinta. Shan jeer ooh ore ayuu u tartamay madaxtinnimada Nigeria, balse marna kuma aanu guulaysan. Waxaa lagu eedeeya musuq maasuq iyo eex, inkastoo uu beeniyay eedeymahaas. Waxa uu u sharraxan yahay xisbiga ugu weyn mucaaradka ee PDP. Waa kuma Bola Tinubu? Waa 70 jir u sharraxan xisbiga talada haya ee APC, oo lagu dhaliilay inuu Nigeria u horseeday dhaqaalo xumo iyo amni darro baahsan. Tinubu ayaa lagu ammaanay hawshii uu ka qabtay magaalada Lagos markii uu ahaa barasaabkeeda, xilkaas oo uu ka degay 2007. Waxa uu awood badan ku leeyahay gobollada koonfur galbeed, hase yeeshee si lamid ah Abubakar waxaa lagu eedeeyay musuq maasuq, eedeyntaas oo uu beeniyay. Dadka dhaliila ayaa sidoo kale sheegay inuu caafimaad ahaan liito, oo aanu ka bixi karin hawsha adag ee hogaaminta Nigeria, taasoo uu beeniyay. Natiijada doorashada Natiijooyinka labadii doorasho ee ugu dambeeyay ayaa soo baxay saddex maalmood kadib codbixinta, hase yeeshee waxaa la filayaa in tani ay xilligaa ka soo hormari karto, maadaama guddiga doorashada uu isticmaalayo qalab casri ah. Musharraxii helaa codadka ygu badan iyo 25% codadka laga dhiibtay 24 gobol oo kamid ah 36 gobol ee Nigeria ayaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee waddankaas. Haddii ay musharraxiintu gaari waayaan codadkaas, waxaa 21 maalmood gudahood lagu qaban doonaa doorasho ku celis ah, arrintaas oo aan horay uga dhicin Nigeria. https://www.bbc.com/somali/articles/c72xn90kw9jo +politics Kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya: Maxaad ka taqaannaa kiisaska muranka badda ee ay horay u qabatay maxkamadda ICJ? "Maanta oo Talaado ah ayay garsoorka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ku dhawaaqayaan go'aanka kama dambeysta ah ee kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Wakiillada matalaya Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ku sugan magaalada Hague ee xarunta u ah maxkamadda, waxayna isu diyaariyeen si buuxda. Ilo ku dhow dhow wafdiga Soomaalida ayaa muujinaya in ay rajo badan ka qabaan go'aanka maanta ee taariikhiga ah. Dowladda Kenya ayaa qaaddacday hannaanka dacwadda, ilaa haddana ma jierto cid ku mataleysa maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ). Mxkamaddan oo hoos tagta Qaramada Midoobay waxay awood weyn u leedahay inay qaaddo, go'aannana kasoo saarto kiisaska la xiriira muranka u dhaxeeya dalalka. ICJ doorkeedu waa in haddii dacwad loo gudbiyo ay xal ka gaarto waxyaabaha ay isku mari waayaan dalalka iyadoo la tiigsaneysa sharciga caalamiga ah. Waxay maxkamaddu dhisneyd tan iyo sanadkii 1945-kii, waxaana mararka qaar lagu magacaabaa ""Maxkamadda Adduunka"". Waxaa la shaqeeya hay'ado ka tirsan Qaramada Midoobay oo ay isla dhiraandhiriyaan kiisaska ay gacanta ku heyso mar walba. Kiiskii ugu horreeyay ee gacanta maxkamadda ICJ soo gala waxa uu ku saabsanaa muran u dhaxeeyay UK iyo Albania, kaasoo dacwaddiisa loo gudbiyay 22-kii bishii May ee sanadkii 1947-kii. Intii u dhaxeysay 22-kii May, 1947-kii ilaa 5-tii March 2021, waxay maxkamaddu qabatay 179 kiis oo soo galay liiskeeda guud. Kiis la mid ah midka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan xadka badda waxa ay maxkamaddu kula tacaashay waddamada Costa Rica iyo Nicaragua oo is heystay. Kiiskaas ayaa sidoo kale in muddo ah jiitamaya. Waddanka Nicaragua oo ku yaalla Qaaradda Koonfurta America ayaa waddamo dhowr ah oo daris la ah kula murmay xadka badda, waxaana dacwadahaas oo dhan la wareegtay maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda. Kiisaska kale ee ku saabsan muranka xadka badda, oo qaarkood uu wehliyo khilaaf dhinaca xadka dhulka ah, waxaa ka mid ah: Nicaragua v. Colombia Nicaragua v. Honduras Peru v. Chile Romania v. Ukraine Cameroon v. Nigeria [Equatorial Gueinea oo soo farogelisay] Qadar v. Baxreyn Denmark v. Norway El Salvador iyo Honduras oo isku dhinac ah iyo Nicaragua oo faragalisay Bishii January ee sanadkan, Guddi qaabilsan sharciga badaha oo ay sameysay Qaramada Midoobay ayaa go'aamiyay in Britain aysan xaq u lahayn jasiiradaha Chagos oo ay lahaanshahooda ku muransanaayeen waddanka Mauritius. Guddiga ayaa ku dhaliilay UK sida ay ugu guul darreysatay inay jasiiradahaas ku wareejiyo Mauritius oo si sax ah u leh. Go'aanka guddiga Qaramada Midoobay ayaa ayidayay xukun kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) oo isla sidaasoo kale u sheegtay in jasiiradahaas ay ka tirsan yihiin Mauritius, Britain-na aysan xuquuq ku lahayn. Xukunka maxkamadda waxa uu daba socday dacwad ku saabsan murankaas oo loo gudbiyay. Isla go'aankaas waxaa lagu sii xoojiyay codeyn laga qaaday Golaha Loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Jaziiradahaas ku yaalla badweynta Hindiya waxaa meel ka mid ah ka dhisan saldhig ay leeyihiin militariga Mareykanka. Hase yeeshee UK ayaa shegetay in ay dib u celin doonto oo kaliya marka ay ka dhammeysato danaheeda la xiriira dhinaca difaaca. Muddo toddobo sano ah ayaa laga dhur sugayay go'aanka ku saabsan kiiska dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomalaiya Soomaaliya iyo Kenya, marar badan ayaana dib loo dhigay dhageysiga. Dowladda Kenya ayaa dhawaan qaaddacday ka qayb galka dacwadda kaddib markii ay garsooreyaasha ku gacan seyreen dalab ay ku doonayeen in dib loo dhigo. Wakiillada Kenya ayaa sheegay in aysan diyaar ahayn, maadaama uu saameyn ku yeeshay fayraska safmarka ah ee Corona. Balse maxkamadda ayaa ku adkeysatay in ay go'aanka xukunka soo saarto iyadoo aan dhag jalaq u siineynin tabashada Kenya. Bartamihii bishii February ee sanadkan 2021 ayay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya. Qoraal ay xilligaas soo saartay maxkamadda ayaa lagu sheegay in bisha March la billaabayo dhageysiga kaddibna loo gudbayo xukunka. Markii la gaaray bishii March ee ay maxkamaddu qabatay, Qareennada matalaya Soomaaliya ayaa gudbiyay doodahooda ku aadan muranka badda. Bishii December 2017 ayey Kenya xareysay jawaabteedii ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn in ay go'aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Hase ahaatee Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in kiiska aan loo fariisanin miis aan ahayn kan maxkamadda ICJ, tan iyo xilligaasna waxaa labada waddan ka dhex aloosnaa xiisad diblomaasiyadeed oo marba waji yeelaneysay." https://www.bbc.com/somali/war-58880162 +politics Nin Mareykan ah oo loo heysto 'xatooyada' lacag badan oo ay Soomaaliya leedahay Qareen kasoo jeeda gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay eedeymo la xiriira isku dayga inuu xadi rabay lacag malaayiin doolar ah oo ay leedahay dowladda Soomaaliya. Bayaan ay soo saartay Waaxda Caddaaladda Mareykaka ayaa lagu sheegay in ninkaas lagu soo oogay 11 dacwadood oo isugu jira wax isdaba marin iyo musuqmaasuq, isagoo damacsanaa inuu si sharci darro ah gacanta ugu dhigo maamulista lacag dhan 12.5 milyan oo doolar oo ah hantida Soomaaliya. Warkan oo lasoo dhigay bogga internet-ka ee Waaxda Caddaaladda, ayna sidoo kale soo tabiyeen warbaahinta ugu waaweyn dalka Mareykanka, ayaa lagu sheegay in qareenka oo lagu magacaabo Jeremy Schulman, da'diisuna tahay 47, uu matalayay dowladda Soomaaliya, sidaasna uu lacagta ku dhici rabay. Dacwadda ka dhanka ah Mr Schulman ayaa lagu qeexay in muddadii u dhaxeysay 2009-kii ilaa 2014-kii uu dowladda Soomaaliya wakiil uga ahaa dadaalkii ay ku dooneysay inay ku soo ceshato hanti uga maqneyd meelo ka mid ah caalamka, isagoo howshaasna uga qaadanayay qeyb ka mid ah lacagtaas oo uu ku sheegay qiimaha shaqadiisa iyo kharashka ku baxayay howsha. Si uu khiyaanada u hirgaliyo, Schulman iyo dad kale oo uu kaashanayay ayaa sida lagu eedeynayo sameystay warqado been abuur ah oo ay ku muujinayeen in uu isagu dowladda Soomaaliya wakiil ka yahay, uuna oggolaansho u heysto soo celinta lacagtaas. Warqadahaas ayuu geeyay bangi ceymis ka heysta federaalka iyo hay'ado kale. Intaas waxaa sii dheer in uu Mr Schulman, sida lagu eedeynayo, ka been sheegay xogta rasmiga ah, uuna qariyay macluumaadkii uu kasoo ogaaday bangiyada iyo waliba warqadihii been abuurka ahaa ee tilmaamayay matalaaddiisa dowladda Soomaaliya. Khiyaanadaas waxay u suuragalisay Mr Schulman, qolyihii uu kaashanayay iyo shirkad dhinaca sharciga ka shaqeysa oo uu saami ku leeyahay inay ugu dambeyn gacanta ku dhigaan maamulka lacag lagu qiyaasay $12.5 milyan oo ahayd lacag Soomaaliya ka xayirneyd. Schulman wuxuu shirkaddiisa arrimaha sharciga u fududeeyay inay si sharci darro ah ku qaadato $3.3 milyan oo ka mid ah dhaqaalahaas ay Soomaaliya lahayd, halka intii soo hartayna uu ku wareejiyay dowladda Soomaaliya. Howshan Schulman wuxuu ku qaatay boqollaal kun oo doolar oo ay magdhow ahaan u siisay shirkadda uu saamiga ku leeyahay, taasoo uu ku muteystay dakhliga uu sida khiyaanada ah ugu soo xareeyay. Waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu geystay dambiyo kale oo la xiriira musuqmaasuq iyo lacago si sharci darro ah la isu daba mariyay. Eedeymaha ninkan loo jeediyay ayeysan u badneyn in maxkamad loo soo taago ilaa la helo caddeymo la taaban karo oo kiiskaas la xiriira. Bayaanka ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka soo saartay ayey ku codsatay in cid walba oo dhibbane u ah kiiskaas ay lasoo xiriirto, iyadoo sheegtay in arrintan ay baaritaanno ku sameysay FBI-da Mareykanka. Qareenno u dooday ninka loo heysto eedeymaha xatooyada lacagta Soomaaliya ayaa sheegay in uusan wax khalad ah geysanin Mr Schulman, muddo dheerna uu garab taagnaa dowladda Soomaaliya. https://www.bbc.com/somali/war-55188755 +politics Soo dhoweyntii Wabar Cabdille ee Nairobi Wabarka beesha Dagoodiye ayaa lagu soo dhoweeyay nairobi, wuxuuna la kulmay inta badan siyaasiyiinta Soomaalida. https://www.bbc.com/somali/50646409 +politics Maalintii uu Hrithik Roshan qolkiisa ku dhex ooyay "Filim soo saaraha reer Hindiya Rakesh Roshan ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga sheekeeyay dhacdo ku saabsan maalintii uu wiilkiisa Hrithik qol isku soo xiray, isagoo oynaya, ka dib markii uu soo baxay filimkiisii ugu horreeyay ee Kaho Naa... Pyaar Hai. Roshan ayaa sheegay in Hrithik uu culeys badan dareemay markii uu habeen dhan ahaa qof ay dadka oo dhan jecleysanayaan, sida ay tabiyeen wargeyska Hindustan Times iyo qaar badan oo ka mid ah warbaahinta kale ee Hindiya. Sanadkii 2000 ayuu Hrithik markii ugu horreysay kasoo muuqday filimka uu aabihiis sameeyay, oo sidoo kale ay atariisho ka ahayd Amisha Patel. Wareysi uu Mr Roshan siiyay warbaahinta The Quint ayuu dib ugu soo xasuustay dhacdadaas, isagoo sheegay in wiilkisa uu guriga yimid isagoo ka fikiraya sida ay noqotay natiijada tijaabadii ku saabsaneyd inuu ku habboon yahay jilista filimada iyo inkale. Wuxuu Roshan yiri: ""Waan xasuustaa dhacdadan, waxay ahayd saddex ama afar bilood ka dib markii uu soo baxay filimka. Hrithik qolkiisa ayuu ku dhex oynayay. Wuxuu dhahayay, 'aniga arrintan ma xamili karo. Ma shaqeyn karo, ma aadi karo studio-ga. Waxaa jira basas gabdho iyo wiilal ka buuxaan oo doonaya inay ila kulmaan. Ma heli doono fursad aan wax ku barto, ama wax ku jilo, ama aan diiradda ku saaro shaqadeyda. Qof walba wuxuu doonayaa inuu ila kulmo.' markaas ka dib ayaan aniga ku dhahay, 'kasoo qaad in xaaladdan aysan waligeed ku qabsanin, maxaa dhici lahaa markaas? Waa inaad u qaabishaa sidii barako laguugu talagalay, isku day inaad la qabsatid, shaqadaadana wado, ha u qaadanin dhibaato,' wuuna i fahmay"". Markii uu soo baxay Filimkaas, Rakesh, oo ah Hrithik aabihiis, wuxuu ku guuleystay abaalmarintiisii ugu horreysay abid ee uu ku helay soo saarista filimada iyo hagistooda, halka Hrithik uu ku guuleystay abaalmarintii ugu horreysay ee atoorasha ugu wanaagsan sanadka iyo atoorihii ugu fiicnaa ee isagoo billow ah shaqadiisa sidaas u wacnaatay. Hirithik wuxuu sii watay xirfaddiisa jilista, oo uu guulo badan kasoo hoyiyay 20-kii sano ee ugu dambeysay. Filimkii ugu dambeeyay ee uu kasoo muuqdo wuxuu ahaa ""War"" oo ay isaga soo horjeedaan jilaaga kale ee lagu magacaabo Tiger Shroff, kaasoo soo baxay 2019-kii. Wuxuu ahaa filimkiisii labaad ee sanad gudihiis Hit ku noqday, wuxuuna daba socday filimka kale ee lagu magacaabo Super 30. Kooxda Filimka Kaho Naa... Pyaar Hai waxay dhawaan u dabaal dageen xuska sanad guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii la soo saaray. Hrithik oo arrintaas ku cabiray qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ayaa yiri: ""Waxay ila tahay in labada eray ee aan ku tilmaami karo dareenkeygii 20-kii sano ee lasoo dhaafay ka dib KNPH ay yihiin ""Cabsi"" iyo ""Cabsi la'aan"", labadaas arrimood iigu soo noqonayay si joogto ah""." https://www.bbc.com/somali/war-51137699 +politics Amiir Harry oo sharraxay wixii dhacay markii uu 'u gacan qaaday walaalkiis William' Amiir Harry wuxuu sheegay in walaalkiis William uu u gacanqaaday sida laga soo xigtay wargeyska Guardian kaas oo sheegay inay arkeen nuqul ka mid ah buugga amiirka ee Spare. Wargeyska waxaa uu sheegay in buugga ay ku qoran yihiin muranka u dhexeeya walaalaha ee ku saabsan Meghan xaaska amiir Harry “Kulleetiga ayuu igu dhagay, wuxuu xoog u jaray katiinadeyda, wuxuuna igu tuuray dhulka” Labada qasri ee Kensington iyo Buckingham waxay sheegeen in aysan ka hadleyn. Qasriyada oo wakiilo ka kala ah amiir William iyo boqorka, ayaa u muuqda inay qaateen qorsha ah in khilaaf kasta uu degdeg u dhammaanayo iyadoon laga jawaabin Dhinaca kale, muuqaal cusub oo ah horudhaca wareysi telefishinka ITV uu la yeeshay amiir Harry ayuu ku diiday inuu ka hadlo hadii uu ka qeybgalyo caleemasaarka boqorka ee dhacaya bisha May. Wuxuu sheegay in waxbadan ay jiraan “Oo dhici karo inta u dhexeysa hadda ilaa markaas” iyo “Dhankooda ayey kubadda jirtaa”. Buugga amiir Harry lama daabacyo ilaa tallaalada dambe balse wargeyska Guardian wuxuu sheegay inay heleen nuqul ka mid ah oo ay ku sheegeen “Buugga weli aan soo bixin ee aadka loo ilaalinayo”. BBC News weli ma arkin buugga Spare Sida laga soo xigtay Guardian, buugga waxa uu sheegayaa in hadal uu amiir William ka sheegay amiir Harry isagoo jooga gurigiisa London 2019-kii, uu muranka sii kordhiyay. Sida wargeysku sheegay, amir Harry wuxuu qoray in walaalkiisa uu aad uga horjeeday guurkiisa Megan Markle, wuxuuna amiir William ku tilmaamay sida inay tahay qof “Adag” oo “Edebdaran” oo “Xun”. Amiir Harry waxa uu sharaxay wixii dhacay oo ay ku jiraan gacan ka hadal. “Wuu fariistay, magac kale ayuu iigu yeeray, kaddib waa ii yimid. Si degdeg ah ayey wax kasta ku dhaceen. “Kulleetiga ayuu igu dhagay, wuxuu xoog u jaray katiinadeyda, wuxuuna igu tuuray dhulka” “Weelka eyga wax ku cuno ayaa ku dhacay kaas oo dhabarka iga xagtay iyo jirkeyga kale. Daqiiqad ayaan halkaas jiifay, anigoo wareersan, waa soo istaagay, waxaan ku iri iga tag”. Hadalkaas soo baxay wuxuu abuuray in aragti xun laga qaato dagaalka qoyska iyagoo dhexjooga xarunta boqortooyada taas oo muujineysa inaysan muuqaan wax dib u heshiisiin ah Martin Pengelly, oo ah suxufi u shaqeeya bogga Guardian ee Mareykanka, kaas oo sheekada qoray ayaa sheegay inuusan la xiriirin kooxda amiir William u qaabilsan xiriirka. Wariyuhu wuxuu sheegay in warbixintiisa “Xogta buugga Harry kaas oo isaga uu qorqay, ay tahay wixii Harry uu ka hadlay”. Mr Pengelly wuxuu BBC Radio 5 Live u sheegay , “Si taxadar ah oo cad ayaan u sheegnay, kuma sheegin dagaal, maxaa yeelay Harry wuxuu sheegay inuusan dagaallamin”. Amiir Harry wuxuu qoray in walaalkiisa uu kula taliyay inuu la dagaallamo, wuuna diiday taas, sida Guardian sheegtay, amiir William markii dambe wuu ka shalaayay isagoo raaligelin ka bixiyay”. Sawirada la qaado ayaa muujinaya in amiir Harry uu joogto u xiran jiray katiinada madow marka uu tagayo munaasabadaha sida tii ugu dambeysay ee September 2019kii Penguin Random House oo ah shirkadda buugga daabaceyso weli ma xaqiijin in buugga la helay uu yahay kii saxda ahaa inkastoo amir Harry uu dhawaan ka hadlay xiriirka xun ee walaalkii kala dhexeeya Dukumenteriga Harry iyo Meghan ee Netflix, wuxuu amiir Harry kaga hadlay kulan dhexmaray isaga walaalkii iyo aabihii oo hadda boqorka a Amiir Harry ayaa ku tilmaamay shirkii dhacay horaantii 2020kii kaas oo boqoradda ay ka qeygashay “Argagax “Argagax ayuu ahaa  in walaalkey uu igu qeyliyo, abahyna uu dhaho waxyaabo aan run aheyn, ayeydeyna ay halkaas si deggan isaga fadhiso oo dhageysato” ayuu yiri Guardian waxay sheegtay in amiir Harry uu faahfaahiyay kulankii uu la yeeshay aabihii iyo walaalkii kaddib duugtii awoowgii, amiir Philip bishii April 2021kii. Hadii hadalka soo baxay uu sax yahay, arinta ugu xiisan badan ayaa ah in boqor Charles uu dhexda dagaal kaga jiro isagoo ka dalbanaya wiilashiisa dagaallamaya inaysan noloshiisa “Xumeyn” Dhinaca kale amiir Harry wuxuu ITV u sheegay  “in aysan tusin wax muujinaya inay diyaar u yihiin dib u heshiisiin” inkastoo aysan cadeyn cidda uu ka hadlayay. Qasriga Buckingham Palace way diideen inay ka hadlaan. Buugga Spare waxaa markii hore la aaminsanaa inay ku jiraan sirtii ugu weyneyd oo aan faahfaahin badan laga heyn. “Ugu dambeyn tani waa sheekadii Harry,” shirkadda buuga daabacday Penguin Random House ayaa bishii Oktobar sidaa sheegtay. https://www.bbc.com/somali/articles/cjkrj415m7jo +politics Wax ka ogow qodobada ku jira heshiiskii Kenya iyo UNHCR ee xiritaanka xeryaha qaxootiga "Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay si rasmi ah ugu gudbisay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma wixii loo gaaro 30-ka bisha Juun ee 2022-ka. Arrintaas waxaa shaaca ka qaaday wasiirka amniga gudaha ee Kenya, Fred Matiangí, kaddib markii uu shalay gelinkii dambe kulan magaalada Nairobi kula yeeshay madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, Flippo Grandi. Wasiirka amniga gudaha ee Kenya Dr Matiangi wuxuu kaloo sheegay in mas'uuliyiin ka kala socda dowladda Kenya iyo hay'adda Qramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay isla garteen in hannaanka xeryahaas lagu xirayo la bilaabo 5-ta bisha May ee 2022-ka. Hannaankan ugu dambeeyay waxaa ka mid ah inaan cidna qasab lagu rarin oo qaxootiga ay iskood dalkooda ugu laabtaan ama la siiyo shati ay uga shaqaysan karaan ama ku degi karaan dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika. Dowladda Kenya ayaa bishii Maarso waxa ay Qaramada Midoobay in muddo laba todobaad ah ay kula timaado hannaankii lagu xiri lahaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan in ka badan 400,000 oo qof. Kenya ayaa waxa ay qaxootigaas martigelinaysay muddo 30 sanadood ah, dowladduna waxa ay haatan sheegaysaa in aanay awood u lahayn inay dadkaas sii hayso maadaama dhaqaale ahaan lagu jiro xilli adag. Dhanka kale Xoghayaha Guud ee wasaaradda amniga gudaha, Karanja Kibicho, ayaa sheegay in go'aanka ay dowladda Kenya ku xireyso 30-ka June 2022-ka xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma 'ay ku jirto danta bulshadeenna'. Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR waxay sheegtay in go'aankan uu saameyn ku yeelan doono dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya xilli uu dunida saameeyay safmarka Karoona. ""Waxaan aaminsamahay in shacbaka iyo dowladda Kenya ay sii wadi doonan soo dhaweyntooda ay deeqsinimda ku dheehantahay ee ku aaddan qaxootiga taasi oo ay muddo 30 sannadood ah soo wadeen, inta aad wadno geeddi socodka xalka loogu raadinayo qaxootiga ku sugan xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma,"" ayuu yiri madaxa hay'adda UNHCR Filippo Grandi oo ku sugan Nairobi. Hay'adda UNHCR waxay hore u sheegtay iney sii wadi doonto wadahadallada ay arrintan kala yeelaneyso mas'uuliyiinta Kenya. Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa dhanka kale is hortaagtay go'aanka ay dowladda ku dooneysay inay ku xirto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, qaxootiga halkaa ku noolna ay dib ugu celiso Soomaaliya. Maxkmadda sare ayaa go'ankaasi ku tilmaantay mid aan dastuuri ahayn. Waxaa kale oo ay sheegtay in go'aankaasi uu xadgudub ku yahay xuquuqda qaxootiga. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay fajaciso ku noqotay go'aankii ay dhawaan dowladda Kenya wakhtiga kooban ugu qabatay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ee ahaa in gebi ahaanba la xiro xeryahaya qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo tobaannaan kun oo Soomaali ah ay ku nool yihiin. Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay isku khaldayso arrimaha siyaasadda iyo kuwa bini'aadanimada, isagoo intaa ku daray in dadka qaxootiga ah ay ku joogaan Kenya sharci caalami ah oo mudan in la ilaaliyo. ""Arrimaha siyaasadda waxay ka dhaxeeyaan labada dal, kiis baa maxkamadda yaalla oo weli go'aan laga gaarin, arrimhii Jabhadaha baan hadda xalkoodii helnay,Marka haddii lagaaga adkaaday siyaasadda ma ahan inaad ka aar-goosato dadka qaxootiga ah."" ""Qaxootiga waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention marka sidaasi darteed Kenya xaq uma lahan inay si khasab ah ku celiso qaxootiga."" ""Kenya iyada ayaa faa'iidada ugu badan ka hesha qaxootiga, sannadkiiba waxaa ka soo gala qiyaas ahaan nus bilyan doolar iyadaaba dhaqaale ku qabta marka u maleyn maayo inay dan badan ugu jirto dib u celinta qaxootiga."" ""Waxaan hadda wadnaa dib u xoreynta dalka oo gobolladii muhiimka ahaa sida gobolka Jubbada dhexe oo ay dadka qaxootiga qaarkood ka yimaadeen waxaa haysta Al-shabaab marka waxaan is leeyahay in hadda la siyaasadeeyo arrimaha qaxootiga ee cadowga soo barakiciyay dhulkoodii in aanay dani ugu jirin darisnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha bariga Afrika."" Wasiir Dubbe oo ay BBC-da weydisay maadaamaa uu sheegay inaan la siyaasadaynin arrimaha qaxootiga in Soomaaliya xitaa ay horay u qaadday tallaabooyin la xiriira ganacsiga sida joojinta qaadka ayaa sheegay in qaadka loo joojiyay ka hortagga fayraska coorna awggii. Soomaaliya ay xayirtay ganacsigii qaadka ee ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya, kaasoo xukuumadda Nairobi uu uga soo xaroon jiray dhaqaale xoog leh inkastoo markii dambe dib loo furay. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Washington ay Kenya ka caawiso sidii ay u sii wadi lahayd marti galinta qaxootiga ay Soomaalida ku jiraan. Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in sanadkii lasoo dhaafay oo kaliya uu Mareykanka siiyay Kenya lacag dhan $106 milyan oo doolar, taasoo qeyb ka ah dhaqaalaha lagu bixiyo qaabilidda dadka magangalyo doonka ah. Hadalkan ayaa yimid xilli ay dhawaan Kenya ku dhawaaqday inay albaabbada isugu dhufaneyso xeryaha dhadhaab iyo Kaakuma oo hoy u ah boqollaal kun oo kasoo barakacay colaadaha waddamo ka tirsan Afrika. ""Xuquuqda bani'aadanka waa muhiimadda koowaad ee siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka uu adeegsado. Mareykanku wuxuu bixiyay ku dhawaad $106 milyan si loogu ilaaliyo qaxootiga laguna gargaaro howlaha bani'aadannimada taasoo uu ku caawiyay Kenya maadaama ay hoggaamiso dalalka gobolka ee martigaliya qaxootiga iyo magangalyo doonka kasoo jeeda Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Itoobiya iyo meelo kale."" Ayaa lagu yidhi bayaanka." https://www.bbc.com/somali/war-56938228 +politics Sababta ay Al-Shabaab u weerareen deegaanka Soomaalida iyo Seddex arrimood oo kale Si la mid ah waddamada deriska la ah Soomaaliya Al-Shabaab waxay jeclaayeen iney Itoobiya weerarro ku soo qaadaan balse ma jirin wax weerar ah oo isku day dhaafsiisan. Balse toddobaadkii hore dagaallamayaal ka tirsan AL-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday deegaanno ku yaalla xadka Itoobiya ay la wadaagto  Soomaaliya. Maamulka Deegaanka Soomaalidana wuxuu sheegay ciidamada ammaanka deegaankaasi iney dhowr aag kula dagaallameen dagaallamayaaasha Al-Shabaab. Dagaalka labada dhinac halkaasi ku dhexmaray oo labada dhanba qasaaro uu ka soo gaaray. Haddaba maxaynu ka ognahay sababta ka dambeysay weerarrada ay Al-Shabab ku soo qaadeen Itoobiya? 1.    Maxaa sababay inuu Al-Shabaab weerarradan soo qaado? Mid ka mid ah saraakiisha Liyu Booliska deegaanka Soomaalida oo aan magaciisa sheegin oo wakaaladda wararka Reuters u warramay wuxuu sheegay weerarka Al-Shabaab inuu ka dhashay sargaal ka tirsan Al-Shabaab oo damacsanaa inuu gudaha Itoobiya dhaqdhaqaaq ka sameeyo oo gudaha Itoobiya lagu dilay. Ka hor inta uusan dagaalka billaabmin booliska gaarka ee deegaanka Soomaalida tuulada Hela-Madow oo ka tirsan Degmada Ceelkarri baaritaan ay ka sameeyeen waxay ku soo saareen hub noocyadiisa kala duwan oo meel ku aasnaa. Wixi intaa ka dambeeyeyna booliska deegaanka waxay xabsiga u taxaabeen shaqsiyaad la sheegay iney ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab. 2.   Maxay ahayd ujeeddada weerarrada Al-Shabaab? Warmurtiyeed uu golaha ammaanka ee deegaanka Soomaalida uu habeennimadii Sabtida soo saaray waxay ku sheegeen ujeeddada weerarrada Al-Shabaab ay ku soo qaadeen gudaha Itoobiya iney ahayd iney degmada Ceelkarri sii maraan si ay ula midoobaan jabhadda Oromada ee OLF oo ka dagaallanta deegaanka Oromada. Hase yeeshee kooxdan islaamiyiinta ee Soomaaliya ka dhaqdhaqaaqdo ee Al-Shabaab ilaa iyo hadda kama aysan hadal sababta ku kalliftay iney xilligan Itoobiya soo weeraraan iyo qasaaraha dagaalka kaso gaaray midna. 3.    Weerarrada Al-Shabaab ee soo noqday Maalintii Isniinta oo ku beegneed 18-ka July 2022-ka tuulada Laas-Qurun oo aan ka fogeen degmada Feerfeer ee Gobolka Shabeelle ciidamada Liyu Booliska Deegaanka waxay dagaal kula galeen Al-Shabaab. Maamulka deegaanka Soomaalidana waxay sheegeen dagaallamayaashii Al-Shabaab ee isku dayay iney xadka ka soo tallaabaan ay cagta mariyeen, walow ay jirin sheegashadaas cid madax bannaan oo xaqiijineysa. Ciidamada amniga deegaankana waxay sheegeen iney dagaallamayaal Al-Shabaab ay dileen qaarna ay noolasha ku soo qabteen hub bandanna ay ka qabsadeen. Hase yeeshee Al-SHabaab ayaan ka hadal dagaalkii Isniinti dhexmaray iyaga iyo Liyuu Booliska. 4. Qasaaraha Dagaalka ka dhashay Dagaalka oo ka dhacay xadka ay wadagaaan Itoobiya Soomaaliya labada dhinacba waxaa dagaalka ka soo gaaray qasaaro kala duwan. Maamulka deeganka Soomaalida wuxuu sheegay dagaalladii ay la galeen Al-Shabaab iney ku dileen dagaallamayaal ka badan 200 qaar kalana ay nolosha ku qabteen. Ururka Al-Shabaab dhankiisa wuxuu Khamiistii wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay iney dagaalka ku dileen in ka badan 80 askari oo ka tirsan ciidamada Liyu booliska deegaanka. Ciidamada milatariga ee Itoobiya ayaa ku biiray ciidanka Liyuu Booliska oo wado dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Sarkaal sare oo ka tirsan militeriga Itoobiya ayaa sheegay in la qaaday howlgallo xubnaha Shabaab lagu nadiifinayo iyadoo shaley uu dagaal ka dhacay tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feer-Feer oo ku taalla xadka Itoobiya uu la wadaago gobolka Hiiraan. Dowladda Itoobiyana waxay marar badan sheegtay xubno ka tirsan kooxaha islaamiiyinta ee Al-Shabaab iyo Daacish oo doonayey falal argagixiso iney gudaha Itoobiya ka fuliyaan iney qabqabteen. https://www.bbc.com/somali/articles/cje8yn21rp0o +politics La taliyihii Trump ee coronavirus oo is casilay "La taliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee coronavirus, Scott Atlas, ayaa is casilay. Dr Atlas oo lagu muransanaa ayaa isaga oo u mahad celinaya Mr Trump, wuxuu sheegay inuu ""mar walba ku tiirsanaa sayniska iyo caddeymihii ugu dambeeyay isagoo aan eegeynin siyaasadda amaba aysan jirin wax fara gelin ah"". Afartii bilood ee uu xilka hayay, wuxuu su`aal geliyay baahida loo qabo maaskarada wejiga iyo tallaabooyin kale oo lagu xakameynayo xanuunka safmarka ah. Waxay sidoo kale dhowr jeer isku dhaceen xubnaha kale oo kooxda coronavirus. Ninkan ku takhasusay raajada wuxuu kooxda ku biiray bishii August, wuxuu sidoo kale ka soo horjeeday xayiraadaha isaga oo taageersanaa fekerka ah in qofka uu xanuunka kaga adkaado difaaca jirkiisa. Khubarrada caafimaadka bulshada sida Dr Anthony Fauci iyo Xarumaha Xakameynta iyo Kahortagga Cudurka (CDC) ayaa ku eedeeyay Dr Atlas inuu Madaxweyne Trump siiyay xog khaldan oo marin habaabin ah oo ku saabsan faafitaanka fayraska. Saaxiibbadiis kale ayaa aad ugu cambaareeya fekerkiisa ku aaddan Covid-19 oo ay sheegeen inuu ka hor imaanayo sayniska. Waxay soo dhoweeyeen is casilaaddiisa. Si kastaba qandaraaska ninkan ayaa ku ekaa toddobaadkan, sida laga soo xigtay Fox News. Warqaddiisa is casilaadda ayuu Dr Atlas ku sheegay in taladiisa ""ay mar walba diiradda saareysay yareynta dhibaatooyinka la xiriira xanuunka safmarka ah iyo siyaasadaha, gaar ahaan ay u leeyihiin dadka shaqeeya iyo kuwa saboolka ah"". Dr Atlas ayaa kooxda coronavirus ee la shaqeyn doonta maamulka Biden u rajeeyay guul. Madaxweynaha la doortay Biden ayaa si ka duwan Trump wuxuu qof walba ku boorriyay inuu xirto maaskarada. Mareykanka ayaa diwaan geliyay in ka badan 13 milyan oo kiisaska coronavirus ah iyo in ka badan 266,000 oo xanuunka u dhimatay. Malaayiin qof ayaan u hoggaansamin talooyinka saynis yahannada ee ah inay guryaha joogaan." https://www.bbc.com/somali/war-55127373 +politics Saaynisyahanno ayaa sheegay Shiinaha inuu ballaarinayo awooddiisa Niyukilarka "Saynisyahanno ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa sheegay Shiinaha inuu ballaarinayo awooddiisa samynta iyo keydsiga hubka Niyukilarka. Warbixin ay soo saareen Federeeshinka Saynisyahannada Mareykana ee loo soo gaabiyo FAS waxaa lagu sheegay sawir dhanka satelite lagu qaaday inuu muujinayo Shiinaha oo gobolka Xinjiang ka dhisanayo xaruunta Niyukilarka ee Silo. Saraakiisha gaashaandhigga Mareykanka waxay walaac ka muujiyeen awoodda Niyukilarka Shiinaha ee sii kobceyso. Xaruuntan cusub ee Niyukilarka ee Silo waxay noqoneysaa xaruunti labaad uu labada bilood ee ugu dambeeyey dhismaheeda uu ka billaabo Galbeedka Shiinaha. Xaruunta oo ka koobnaaneyso 110 dhismo oo dhulka hoostiisa ah oo loo adeegsanayo keydinta iyo in gantaalaha laga diro. Wargeyska afka dheer ee Washington Post wuxuu bishii hore uu qoray xaruun ka kooban 120 dhsimo inuu Shiinaha uu ka dhisanayo aagga Yumen oo ka tirsan gobolka Gansu. FAS waxay Isniinti sheegeen xaruunta cusub uu Shiinaha dhisanaya ee Hami, oo qayaasti 380 km waqooyiga galbeed kaga beegan Yumen, dhismaheeda uu marayo heer weli billow ah. 2020-kii Pentagon waxay sheegtay Shiinaha inuu iisu diyaarinayo inuu laba jibbaaro tirada hubka Niyukilarka uu haatan haysto. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Mareykanka iyo Ruushka iisu diyaariyeen wadahadal ku saabsan xakameynta hubka. Wadahadal dhawaan dhexmaray ku xigeenka xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Wendy Sherman iyo wasiirka arimaha dibada ee Ruushka Sergei Ryabkov, ayaa loo arkaa inay tahay tallaabadii ugu horeysay ee loo qaaday dib u soo nooleynta wada xaajoodka hakadka galay ee ku saabsan yaraynta hubka Niyuklierka. Balse Shiinaha ayaan ilaa iyo hadda ka qayb qaadanin wadahadallada salka ku haya xakameynta hubka. Taliska Istiraatiijiyadda Mareykanka oo hoos taga waaxda difaaca ayaa walaac xooggan ka muujiyey warbixinta Tweeterka la soo dhigay. ""Muddo laba bilood gudahood ah waa marki labaad oo ay dadweynuhu ogaadaan waxa aan sheegeyno oo ku saabsan khataraha dunida ku soo fool leh iyo siraha arrintan ku gadaaman"" ayuu yiri. Sawirka xaruunta Silo waxaa laga soo qaatay dayax gacmeed ganacsi sawirro ay qaadday, balse sawir kan ka wanaagsan oo heerkoodu sarreyo waxaa qaadday shirkadda Palnet ee ka shaqeysa sawirrada dayaxgacmeedka lagu qaado. Gantaalaha hubka Niyukilarka uu Shiinaha heystay sanadki 2020-kii ay yihiin 200 oo madax, isla markaana Beijing ay hadda dooneyso iney tiradaasi laba jibbaarto, ayey tiri Pentagon. Halka khubarada arrimaha hubka falanqeeyana ay sheegeen 3,800 madax oo hubka Niyukilarka ah inuu Mareykanka haysto." https://www.bbc.com/somali/war-58006848 +politics "Ra'iisul wasaaraha Lesotho: ""Inta aan xilka hayo la ima maxkamadeyn karo""" "Qareenka ra'iisul wasaaraha dalka Lesotho oo loo heysto dembi ah in uu dil geystay ayaa maxkamadda u sheegay in ra'iisul wasaaraha aanan loo maxkamadeyn karin eedeymaha loo heysto ee ah in uu wax ka ogaa dilka xaaskiisi hore. Qareenka ayaa ku dooday in ra'iisul wasaare Thomas Thabane uu yahay qof xasaanad leh, haatanna aanan loo qabsan karin dilka xaaskiisi hore, Lipolelo Thabane oo la dilay sanadkii 2017-ka. Kiiska loo heysto madaxa xukuumadda Lesotho ayaa loo sii gudbiyay maxkamadda sare ee dalkaas, waxaana xaaska ay haatan wada joogaan loo heystaa inay ka dambeysaa dilka haweeneydii koowaad ee dalkaas. Arrintan ayaa ka yaabisay dad badan oo ku nool dalkan yare e ku dhex yaala wadanka Koonfur Afrika. Qareenka difaacaya ra'iisul wasaaraha oo lagu magacaabo Qhalehang Letsika ayaa sheegay in marnaba aanan la maxkamdeyn karin madaxa xukuumadda inta uu xafiiska hayo, balse uusan ka sareynin sharciga. Xaakimka maxkamadda ayaa kiiska u gudbiyay maxkamadda sare, taas oo arrintani u wajihi doonta sida maxkamadda dastuuriga. Mr Thabane, oo ay da'diisu tahay 80 sano jir ayaa ka baaqsaday in uu maxakamadda yimaado toddobaadkii lasoo dhaafay, kadib markii dalka Koonfur Afrika uu u aaday hawla caafimaad. Waxaa soo baxay warar sheegaya in uu u baxsaday dalka Koonfur Afrika, haseyeeshee waa uu beenniyay wararkaas. Inkastoo uusan Mr Thabane ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay ayaa haddana waxaa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka degayo bisha July ee sanadkan, isagoo sheegay inuu hawlgab noqonayo. Xaaska uu haatan qabo ayaa sidoo kale dhawaan lagu so eedeeyay inay dishay xaaskii lala qabay. Waxaa uu noqonayaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee Afrikana ah ee lagu eedeeyo inay ku lug lahaa dil isagoo xafiiska haya. Lipolelo, oo 58 jir ahayd ayaa toogasho lagu dilay laba maalin kahor doorashadii 2017, kahor inta uusan Thabane noqon ra'iisul wasaare. Markii la dilay xaaskiisa, waxaa uu falkii dhacay ku tilmaamay ""axmaqnimo"", balse booliska waxay haatan ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa dilka xaaskiisa. ""Booliska waxay hataan ka shaqeynayaan sidii maxkamad loo soo taagi lahaa"", ayay sheegeen booliska Lesotho. Sidoo kale taliye ku xigeenka booliska Lesotho, Paseka Mokete ayaa isna xaqiijiyay in ra'iisul wasaaraha maxkamad lasoo taagi doona. Muxuu arrintan ka yiri ra'iisul wasaaraha? Mr Thabane oo maalma kahor la hadlay warbaahinta Qaranka ee dalkaasi ayaa sheegay in dalkiisa uu ugu adeegay si hufan, xilkana uu ka degi doona bartamaha sanadkan, waxaana uu yiri: ""Waxaan ka shaqeeyay Lesotho xasiloon oo nabad ah, da'da aan haatan joogana waxaa muuqto in aan daalay"". Xisbiga talada haya ayaa ra'iisul wasaaraha u qabtay in kama dambeys uu isku casilo muddo toddobaad ah. Waxaa lagu soo warramayaa inay adag tahay in ra'iisul wasaraaha Lesotho uu arintan ka weecdo, waxaana taas ay dalka Lesotho u horseedi doontaa dhibaato dhanka dastuurka ah, maadaama hogaamiye xil haya aanan maxkamad lasoo taagi karin. Xaaskii hore ee hogaamiyaha Lesotho ayaa la dilay xilli ay kusii jeeday guri ay leeyihiin qoyskooda oo ku yaalla tuulo dhacda duleedka caasimadda Maseru. Xilliga la dilay waxaa uu khilaaf ku saabsan furriin kala dhaxeeyay ra'iisul wasaare Thabane, waaana xilligaas uu ra'iisul wasaaraha la joogay xaaska uu hataan qabo ee Maesaiah. Xaaska koowaad ee la dilay ayaa ku guuleysatay in iyada loo aqoonsado haweeneyda koowada ee dalkaas kadib markii maxakamd ay tagtay, arrintaas oo ka hor timid damacii xaaska labaad oo dooneysay in iyada ay noqoto. Maesaiah oo ah xaaska hataan u dhexda ra'iisul wasaraaha ayaa Thabane kala qeybgashay xafladda dhaarinta iyadoo tacsida ay taalo. Maesaiah oo lagu soo oogay dacwad ah inay iyada dilka ka dambeysay ayaa lagu soo daayay damaanad lacageed, ilaa iyo haddana ma aysan qiranin wax dembi ah." https://www.bbc.com/somali/51624983 +politics Ra'isal wasaare u geeriyooday Coronavirus Ra'isal wasaarihi hore ee dalka Liibiya Maxamuud Jibriil ayaa u geeriyooday cudurka Coronavirus uu bariyahanba la il darnaa. Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyey xisbiga siyaasadeed uu marxuumku ka tirsanaa. Mr Jibriil oo ay da'diisu 67 jir ahayd wuxuu cudurka uu ugu soo dhacay dalka Masar bishi March. Wuxuuna xilka soo hayey xilligi uu golaha ku meel gaarka ah uu talada dalka Liibiya hayey golaha ku meel gaarka qaran xilliga uu dalkaasi ka soo kabanayey dagaallada sokeeye ee ka qarxay 2011-kii. Xilliga golahaasi ku meel gaarka ah uu dalka Libiya ka jiray ayuu Maxamed Jibriil soo noqday Ra'isal wasaare ku meel gaar ah marki xilka laga tuuray madaxweynihi hore ee dalkaasi Muammar Qadaafi. Axaddi ayuuna Covid-19 ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ee dalka Masar. Dowladda Liibiya ka arrimisa ee caalamka laga aqoonsan yahay oo tacsi u dirtay ehellada marxuumka waxay Maxamuud Jibriil ku tilmaameen inuu ahaa 'Astaan Qaran'. Muddo 7 bilood ah ayuu Mr jibriil ra'isal wasaare ka soo ahaa dalka Liibiya, isaga oo lagu xusuusto inuu wakhtigaasi howla badan uu ka soo qabtay dib u heshiisiinta iyo sidi dagaallada Liibiya ka qarxay loo soo afjari lahaa. Marka uu xilka ka dagayna wuxuu aasaasay xisbi siyaasadeed uu isagu hoggaaminayo oo uu ugu magac daray Xoogagga Isbahaysiga Qaran (NAF). Dhinacyada siyaasadda Marxuum Jibriil taageersanna siyaasaddiisu waxay ku tilmaamayeen inuu ahaa nin ay siyaasaddiisu fog tahay aragti dheerna leh oo wax badan ka beddeli lahaa siyaasadda waddamada dhaca Waqooyiga Afrika. Xisbigiisa oo doorashadi baarlamaanka ee Libiya ka dhacday 2012-kii ka qayb galayna wuxuu helay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka. Xilligi uu dalka Liibiya ka soo talinayey madaxweynihi hore Mu'ammar Qaddaafi Mr Jibriil wuxuu madax u ahaa guddiga horumarinta dhaqaalaha qaranka ee Liibiya. Inta ay dagaallada sanadaha badan socday ka qarxeen dalka Liibiya oo ay kooxa kala duwan isku hayeen siyaasadda dalkaasi, Maxamuud Jibriil wakhtigiisa ugu badan wuxuu ku qaatay waddamada Masar iyo Imaaraadka Carabta. Wuxuuna xiriir aad u dhow uu la lahaa Madaxda Howlgalka Qaramada midoobay ee Liibiya isaga oo kaalin mug lehna ka soo qaatay shirar iyo kulammo nabadgalyada Liibiya looga hadlayey oo dlkaasi ka dhacay. https://www.bbc.com/somali/war-52177032 +politics Trump oo gaashanka u daruuray in dadka Mareykanka lagu khasbo xirashada maaskarada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuusan shacabka reer Mareykan ku amri doonin iney xirtaan maaskarada ama af-xirka looga hortago faafifadda fayraska corona. Hadalkiisan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxa Cudurada Faafafa ee dalka Dr Anthony Fauci,uu madaxda dowladda iyo kuwa gobollada ku booriyay iney shacabka ku khasbaan xirashada maaskarada. Dr Fauci ayaa intaasi ku daray iney aad muhim u tahay xirashada maaskarada wajiga ayna khasab tahay in qofkastaa uu isticmaalo. Dalka Mareykanka waxaa aad loo siyaasadeeyay xirashada maaskaraatiga wajiga. Madaxweyne Trump oo mar sii horeysay gaashaanka u daruuray xirashada maaskarada ayaa markii ugu horeysay Sabtidii la soo dhaafay xirtay maaskarada. Hase yeeshee wereysi uu siiyay warbaahinta Fox News, ayuu Trump ku sheegay inuusan marnaba ku raacsanayn in dadka khasab looga dhigo xirashada maaskaraatiga sabatoo waxa uu yiri dadku waxay u baahan yihiin xornimo. Gobolka galbeed ee Georgia, barasaabkiisa Brian Kemp ayaa dadka deegaanka ku booriyay iney afduubka wajiga xirtaan bisha dambe. Dhanka kale saraakiisha magaalada Oklahoma ayaa daneynaya in shacabka magaalada lagu khasbo xirashada maaskarada iyadoo guud ahaan gobolka intiisa kale lagu amrin maaskarada. Tiro gobolada Mareykanka ah ayaa waxaa sare ukac ku yimi tirada dadka uu soo ridanaya fayraska corona. Haatan tirada guud ee uu ku dhacay fayraska dalkaasi Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 3.6 milyan oo qof , halka dhimashaduna ay ka sare martay 139,000 taasi oo Mareykanka ka dhigeyso dalka u dhimashada badan dunida oo dhan. Dhinaca kale malaayiin caruur reer Mareykan ah ayaanan sannad dugsiyeedkan dib ugu laaban doonin iskuulada iyadoo dallaaca fayraska corona uu sare u sii kacaya. Labada gobol ee ugu dadka badan Mareykanka waa California iyo Texase, in ka badan 7 milyan oo caruur ah oo ku tiirsan waxbashada iskuulada dowladda ayaanan toddobaadyada soo socda dib ugu noqon doonin waxbarshadoodii. Gobolka Texas ayaa qorsheeynaya in ilaa bisha Nofeembar ardayda la siiyo casharada dhanka online-ka ah. https://www.bbc.com/somali/war-53454101 +politics George Floyd: Booqashadii Trump ee kaniisadda oo ka nixisay hoggaamiyeyaasha diimaha "Madaxweyna Donald Trump wuxuu xalay isasoo sawiray isagoo kitaabka masiixiyiinta gacanta ku haya, oo hor taagan kaniisadda St John's Episcopal, oo ka soo horjeedda Aqalka Cad. Maantana wuxuu booqan doonaa macbadka St John Paul II, oo laftiisa ku yaalla isla magaalada Washington. Laakiin sida uu Mr Trump ugu weecday dhinaca diinta ma aysan soo dhaweynin qaar ka mid ah wadaaddada, xilli uu waddanka Mareykanka dhib weyn kala kulmayo arrimaha la xiriira cudurka safmarka ah iyo dibadbaxyada siyaasadeed. Mariann Budde, oo ka mid ah wadaad diimeedyada ayaa yiri: ""Madaxweynuhu wuxuu iska isticmaalay kitaab, hadallada uu adeegsadayna ma aha kuwo uu fasax u heystay, taasina way naga yaabisay."" James Martin, oo isagana ah baadari kale oo xiriir la leh Vatican-ka ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray hadallo uu ku dhaliilayo madaxweyne Trump. ""Aan wax kala caddeeyo. Kitaabku ma aha wax lagu gabbado. Kaniisaddu ma aha meel loogu talagalay in la isku sawiro. Diintu ma aha qalab loo adeegsado siyaasadda. Alle ma aha wax aad ciyaar ka dhiganeysid."" ayuu kusoo qorat Twitter-ka. Mr Trump si cad uma uusan sheegin sababta uu tallaabadaas u qaaday. Laakiin faallooyin kala duwan ayaa laga bixinayaa xeeladdan uu adeegsaday ee ku saabsan dhinaca diinta. Sanadkii 2016-kii, Mr Trump wuxuu ku guuleystay 81% ka mid ah codadka dadka caddaanka ah ee masiixiyiinta ah, gaar ahaan kuwa heysta mad-habta katoliga. Markii la isbarbardhigo isaga iyo haweeneydii xilka madaxweynaha kula tartameysay, 60% ka mid ah dadkaas waxay u codeeyeen Trump, halka 37% kaliya ay codadkooda siiyeen Hillary Clinton. Arrintan ayaa kusoo aadday xilli ay Mareykanka muddo hal isbuuc ah gilgilayeen mudaharaadyo looga soo hor jeedo dilkii George Floyd, oo ahaa nin madow ah oo 25-kii bishii lasoo dhaafay ku dhintay gacanta booliska. Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka digay inuu howlgalin doono milatari kala eryi karo dadka uu sheegay inay xasiloonidarrada ka wadaan dalka Mareykanka oo dhan. Wuxuu Trump ku dhaliilay maamullada magaallooyinka iyo baraasaabyada gobollada in ay ku guul dareysteen xakameynta mudaharaadyada iyo ""iney difaacaan shacabka"" sidaa darteed uu ciidama milatari oo rabshadahaasi soo afjaro howlgelinayo. Mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka loo geystay George Floy ayaa maalinti toddobaad ka socda dalka Mareykanka. Xilliga uu Mr Trump aqalka cad warbaahinta kula hadlayey, boolisku waxay sunta indhaha ka ilmeysiisa ku kala eryeen boqollaal dibadbaxayaal ah oo mudaharaad halkaasi ka waday." https://www.bbc.com/somali/war-52899541 +politics BBC oo lagu dhaliilay qaabka ay u martay waraysi ay qaadday 25 sano kahor "Amiir William-ka qoyska Boqortooyada UK ayaa BBC-da ku eedeeyay inay ku guul darreysatay wareysigii ay la yeelatay hooyadii kaas oo uga sii daray xaaladdeeda isla markaana sii xumeeyay xiriirka labadiisa waalid. Kaddib baaritaan la sameeyay oo lagu ogaaday in BBC-du aysan hannaan sax ah u marin hellitaanka wareysigaas, ayaa Amiir William waxa uu sheegay in ""waxa ugu badan ee murjiyay"" ay tahya in Diana aysan weligeed ogaan in la khiyaanay. Wuxuu sheegay in hooyadii uusan keliya u gefin ""weriye aa daacad ahayn"" balse ay sidoo kale ku khaldameen madaxda BBC. Dhanka kale walaalkii, Amiir Harry ayaa ""dhaqamada qaar ee xun ee warbaahinta"" ku eedeeyay dhimashada hooyadiis. Wuxuu walaac ka muujiyay in dhaqamadaas ay ""weli ka jiraan dunida"". ""Hooyadeen waxay nolosheeda ku weyday arrintan, waxna isma baddelin. Annagoo ilaalineyna waxa laga dhaxlay, waxaan ilaalineynaa qof walba, waxaana ku taagneynaa sharaftii ay ku nooleyd,"" ayuu yiri. BBC-da ayaa raalligelin siisay Amiir William iyo Amiir Harry, aabbahood Charles iyo Diana walaalkeed Earl Spencer. ""Arintan ma khuseyso oo keliya Martin Bashir, balse waxay ku saabsan tahay dhammaan BBC-da, oo uu u maleynayo inay gebi ahaanba ku guul darreysatay inay baarto arrinta ayna daah saartay arrimo aysan jecleysan,"" ayuu yiri Jonny Dymond oo ah weriyaha BBC ee arrimaha qoyska Boqortooyada. Baaritaanka oo uu sameeyay garsooraha howlgabka noqday Lord Dyson, ayaa lagu ogaaday in weriyihii wareysiga qaaday ee Martin Bashir uu u dhaqmay qaab ""khiyaano"" ah uuna been abuur ku sameeyay waraaqihii uu ku helay oggolaanshaha wareysiga. Baaritaanka gudaha ee ay BBC-du sanadkii 1996 ku sameysay cabashooyinkii ku saabsanaa wixii dhacay ayaa ahaa ""mid aan waxtar lahayn"", sida lagu sheegay baaritaanka. Amiir William ayaa yiri wareysiga ""wuxuu qeyb weyn ka qaatay in xiriirka waaliddiinteyda uu sii xumaado,"" isagoo intaas ku daray ""wuxuu kaddib dhaawacay dad aan xisaab lahayn"". ""Balse waxa murugada ugu badan igu beeray, waa haddii ay BBC-du si fiican u baari lahayd cabashooyinkii sanadkii 1995, hooyadey way ogaan lahayd in la khiyaamay,"" ayuu yiri. Lord Dyson ayaa ogaaday in Bashir uu Earl Spencer ku khiyaanay inuu baro walaashii Diana isagoo tusiyay waraaqaha bankiga oo been abuur ah kuwaas oo sheegaya in shakhsiyaad lacag lagu siiyay inay ilaalo ka hayaan amiiradda. Amiir William ayaa sheegay in aragti ahaan uu qabo in habka khiyaanada leh ee wareysiga lagu helay ""uu saameyn ku yeeshay waxa ay hooyadey tiri"" iyadoo u jawaabeysa Bashir. Wuxuu sheegay in barnaamijka Panorama ""uusan habbooneyn"" isla markaana aysan ahayn in mar dambe la sii daayo. Bashir ayaa sheegay in ""arin nacasnimo ah"" ay ahayd waxa uu sameeyay isla markaana uu ka shallaynayo, balse wuxuu sheegay inaysan wax saameyn ah ku lahayn go'aanka ay Diana ku aqbashay in la wareysto. BBC-da ayaa sanadkii la soo dhaafay dalbatay baaritaanka madaxa bannaan, kaddib markii Earl Spencer uu soo jeediyay eedeymo ku saabsan qaabka loo helay wareysiga. Wareysigii Bashir uu la yeeshay Amiirad Diana ee lagu soo qaatay barnamaijkii gaarka ahaa ee Panorama ayaa wax weyn u ahaa BBC. Wareysiga waxay amiirada ku tiri: ""Saddex qof ayaynu ku nahay guurka,"" - iyadoo ula jeedda xiriirkii seygeeda kala dhaxeeyay Camilla Parker Bowles. Waa markii ugu horreysay ee qof boqortooyada ka tirsan uu si furfuran uga hadlo noolosha Qoyska Boqortooyada - dadka daawaday wareysiga ayaa ka hadlay guurkeeda aan farxadda ku dheehneyn ee Amiir Charles, arrimahooda, iyo xaaladdeedii caafimaad ee maskaxda. Bashir, oo 58 sano jir ah, waa mid ka mid ah weriyeyaasha ugu caansan UK, wuxuuna sidoo kale aad ugu soo caan baxay wareysigii uu sanadkii 2003 la yeeshay heesaagii Michael Jackson. Toddobaadkii la soo dhaafay ayuu BBC-da isaga tegay, isagoo u aaneeyay sababo dhanka caafimaadka ah. Wuxuu ahaa wakiil-wareedka arrimaha diinta ee BBC-da iyo tifaftire tan iyo sanakdii 2016." https://www.bbc.com/somali/war-57196686 +politics Ilhaan Cumar oo jawaab aad loola yaabay siisay haweeney ku tilmaantay ‘inay argagixisada taageerto’ "Qaar ka mid ah warbaahinta reer Galbeedka ayaa maalmihii lasoo dhaafay tebinayay dagaal dhinaca warbaahinta ah oo u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo haweeney kale oo ka tirsan Golaha Wakiillada Mareyknaka, oo lagu magacaabo Lauren Boebert. Arrintan ayaa billaabatay kaddib markii Boebert oo Congress-ka Mareykanka ku matasha gobolka Colorado ay weerar ku qaadday Ilhaan Cumar oo laga soo doortay gobolka Minnesota. Haweeneydan oo laga waraysanayay buug ay dhawaan soo saartay ayaa ka hadashay mowduuca ku saabsan in la kala saaro Diinta iyo Dowladda, oo ka mid ah qodobbada dastuurka Mareykanka. Lauren Boebert ayaa tiri: ""Haddii ay dhab tahay in la kala saarayo diinta iyo maamulka dowladda, sida ay aaminsan yihiin, markaas maxay Ilhaan Cumar halkaas ka samaysaa iyadoo xiran xijaabkeeda, Maxay awood ugu yeelatay inay la gasho halkaas?"" Waxay Lauren hadalladan ku sheegtay barnaamij lagu wareystay oo ka baxay telefishinka ""Real America's Voice"". Xildhibaannaddan ayaa dhawaan sidoo kale buuggeeda cusub ku sheegtay in Ilhaan ay ""taageerto kooxaha argagixisada"". Siyaasiyadda kasoo jeedda Soomaaliya ee qaxootinnimada ku tagtay Mareykanka ayaa arrintan uga fal celisay barteeda Twitter-ka. Ilhaan oo lagu yaqaanno hadallo kulkulul ayaa markan jawaabteeda u dhigtay qaab soo jiitay warbaahinta caalamiga ah, sida wargayska The Independent ee kasoo baxa Ingiriiska. Muuqaal lasoo jaray oo ku saabsan qaybta ay Lauren ku weerarayso Ilhaan iyo sababta loogu oggolaaday in ay xijaab la gasho Golaha Wakiillada. Si sahlan, Ilhaan ayaa muuqaalkaas isla Twitter-ka uga fal celisay muuqaal u eg inuu majaajilo yahay oo laga arkayo nin haweeney labada dhaban ka saaray rooti. Waxaa muuqaalka ku dul qoran su'aal uu waydiinayo oo ah ""Maxaa tahay?"" oo iyaduna ay uga jawaabayo ""Waxaan ahay nacas rooti dhexda uga jira"". Ma jirin qoraal ama cod kale oo ay Ilhaan jawaab ahaan u bixisay, marka laga soo tago muuqaalkaas maadda ah oo loo yaqaanno ""GIF"". Horay waxaa Ilhaan looga bartay in ay qoraallo ama muuqaallo uga fal celiso eedeymaha iyada ka dhanka ah. Waxay si aad ah ula soo dagaallantay siyaasiyiin uu ku jiro Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump. Sanadkii 2019-kii ayay noqotay haweeneydii ugu horraysay ee iyadoo xijaab xiran dhex fariisata Aqalka Koongareeska Mareykanka. Sidoo kale waxay taariikhda ku gashay in ay noqotay mid ka mid ah labada gabdhood ee Muslimiinta ka ah guud ahaan xildhibaannada Golahaas, inkastoo haweeneyda kale aysan xijaab isticmaalin." https://www.bbc.com/somali/articles/c51e39l5e55o +politics Doorashada Mareykanka 2020: Saddexda cinwaan ee aad beri ku waa bariisan karto Xilli ay bilaabatay codeynta doorashada Mareykanka xilli uu loolan adag ka dhex taagan yahay Trump iyo Biden ayaa weriyaha BBC-da ee waqooyiga Amerika Jon Sopel wuxuu sharraxayaa arrimo dhowr ah oo ku saabsan waxaa ay ku danbeyn doonto doorashada Mareykanka. Weriyaha BBC-da wuxuu sheegaya inay dhici karaan saddex arrimood oo suurogal noqon kara xilligan doorashada Mareykanka. Arrinta ugu horreysa waxay tahay in natiijada ra'yi uruurinta ay tahay mid sax ah, Joe Biden wuxuu habeenkii Talaadada gaaraya guusha. Iyadoo uu jahwareer iyo khilaaf ka dhashay ololaha doorashada Mareykanka xilligan marka loo barbardhigo afar sano ka hor- Ra'yi uruurinta laga sameeyo dowladda dhexe iyo gobollada muhiimka ah waa kuwa aan waxbo iska baddalin oo sax ah. Biden wuxuu guud ahaan dalka ku hogaaminayay ra'yi uruurinta, wuxuu shacbiyad badan ka heystaa gobollo dhowr ah. Sida uu qorayo bogga FiveThirtyEight blog, sida ku xusan ra'yi uruurinta waxay cel celis ahaan kala horreeyaaan boqolkiiba 0.1 iyadoo ay isku dhawan yihiin. Marka aan tebineyno natiijada ra'yi uruurinta waxaan sheegnaa in in heerka khaladaadka natiijadaas ay noqon karaan in lagu daro ama laga jaro boqolkiiba 3, markaa boqolkiiba 0.1 oo ay wax isku baddaleen dhowr toddobaad kaddib waa arrin aanan la qiyaasi karin, weriyaha wuxuu sheegayaa in habeenka taaladada haddii natiijada ay noqoto middan uusan la yaabin doonin. Waana arrinta labaad ee suurtagalka ah, waa sida dhacday sanadkii 2016-kii, ra'yi uruurinta waxay noqon kartaa mid khalad ah, Donald Trump wuxuu mar labaad ku guuleysan karaa doorashada, arrinta muhiimka u ah guushiisa waa waxa ka socda gobollada Pennsylvania iyo Florida. Mana jirto cid rumeysan in ra'yi uruurinta muujineyso in saddex ama afar dhibcood uu Biden ku horreeyo gobolka Florida, sanadkan Trump wuxuu shacbiyad badan ka hesytaa dadka Laatinka ah marka loo barbardhigo doorashadii sanadkii 2016-kii. Gobolka dhaca galbeedka ee Pennsylvania, halkaas oo ay ku nool yihiin dadka caddaanka ah ee shaqeeyo waa arrin horseedeyso guusha madaxweynaha. Ololaha doorashada Mareykanka oo weji cusub yeeshay Saadaasha baaderiga iyo ololaha doorashada Mareykanka Xilli Mareykanka uu ka jiray xayiraadda ka hortagga cudurka Covid-19, Tageerayaasha Trump ee ku kala sugnaa Florida, Ohio, Tennessee, Pennsylvania, North Carolina, Georgia iyo Virginia waxay u muuqdeen kuwa si weyn ugu sacab tumaya isla markaana qaddarin u hayo madaxweynaha. Siyaasiyiinta dimuqraadiga waxay dhaleeceynayeen madaxweynaha oo ay ku sheegeen in uu yahay qof qeyrul mas'uul ah oo isku keenayo kumanaan qof oo ka qeyb qaadanayo ololahiisa doorashada iyadoo dadkaas aysan kala fogaaneyn. Doorashada Mareykanka ayaa sanadkan si ka duwan kuwii hore u dhaceysaa iyadoo la adkeeyay nidaamka codeynta si looga hortaggo fiditaanka cudurka. Sababta kale ee ka qeyb qaadaneyso guusha Trump waxay tahay in Joe Biden uusan si wanaagsan ugu fiicneyn ololaha doorashada gaar ahaan marka ay timaaddo dhiiregelinta codbixiyeyaasha. Qodobkan wuxuu lamid yahay kii hore- natiijada ra'yi uruurinta waa been ah, xilligan marka laga reebo, ra'yi uruurinta waxay noqon kartaa mid khalad ah marka dhinaca kale loo fiiriyo, waxaa jiri kartaa suurtagalnimada ah in Biden uu guul weyn gaaro, waana doorasho xamaasad leh, sida dhacday markiii Ronald Reagan uu ka guuleystay Jimmy Carter sanadkii 1980-kii ama markii George HW Bush uu ka guulesytay Michael Dukakis sanadkii 1988-dii. Madaxweynaha waxaa la arkayay toddobaadkii ugu danbeeyay ee ololaha Trump- inay sare u kaceen kiisaska cudurka, iyadoo ay sare u kaceen dadka la seexinayo cisbitaallada halka tirada dhimashada ay maalin kasta gaartay 1000, tan iyo bishii March dhaqaalaha Mareykanka waxaa si ba'an u saameeyay cudurka. Xilligii ololaha doorashada Mareykanka sanadkii 2016-kii, Donald Trump wuxuu shacabka u gudbinayay farriin cad ah oo ah- in uu doonayay dhistaanka gidaarka Mexico, in musliimiinta uu ka mamnuuci doono Mareykanka, in uu soo cusbooneysiin doono heshiisyada ganacsi ee Mareykanka la galay dalalka iyo in uu xoojin doono wax soo saarka Mareykanka- Sanadkan wuxuu si cad uga hadlayay waxa uu noqon doono muddo xileedkiisa haddii mar labaad uu xilka qabto. Iran oo lagu eedeeyay inay weerar internet la bartilmaameedsatay ololaha doorasahda Mareykanka Biden oo weerar afka ah ku qaaday Donald Trump https://www.bbc.com/somali/war-54795644 +politics Xiisadda Ukraine: Mareykanka oo labo arrin kala dooransiiyay Ruushka "Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Wendy Sherman ayaa uga digtay Ruushka inuu kala doorto diblomaasiyad amaba iska hor imaad dhex mara Galbeedka. Hadalkan ayay sheegtay kaddib wada hadallo dhex maray Nato iyo Ruushka, waana mid ka mid ah saddex kulan diblomaasiyadeed oo toddobaadkan dhacay loogana gol lahaa yareynta xiisadda Ukraine. Ku xigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Alexander Grushko ayaa isna sheegay in Nato ay awoodi weysay oggolaanshaha dalabaadka Moscow. Liiska dalabaadka waxaa ka mid ah in Ukraine aysan weligeed ku biiri karin Nato. Ilaa 100,000 oo ciidamo Ruushka ka socda ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin meel u dhow xadka Ukraine, taas oo keentay cabsi laga qabo inay xoog ku galaan dalkaas. Sherman ayaa mar kale ku celisay in Mareykanka iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah Nato aysan marnaba oggolaan doonin in codka diidmada qayaxan loo adeegsado Ukraine, iyadoo sheegtay in isbahaysiga militari uu ku dhaqmo siyaasadda albaabka furan. Hadafka ah inay Nato ku biirto wuxuu qeyb ka yahay dastuurka Ukraine. Balse waxay sheegtay inay jiraan meelo kale oo la isaga soo dhowaan karo, isla markaana Ruushka uu ku qasban yahay inuu go'aansado waxa xiga ee dhici doona. Waxay sheegtay in Mareykanka iyo Nato ay isu diyaarinayaan wax walba oo suurto gal ah. Awoodda diblomaasiyadda-falanqeyn Wendy Sherman ayaa ku dhawaaqday in kulanku uu ahaa ""Muujinta awoodda diblomaasiyadda"". Waxaa jirtay ""midnimo buuxda"" oo ay xubnaha Nato u muujiyeen waxyaabaha uu doodda ka qabo Ruushka. Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa caddeysay sida uu Mareykanku dadaalka ugu bixinayo in hal dhinac laga istaago arrinta Ukraine. Sherman ayaa kulankaasi oo Isniintii dhacay la tagtay khibradihii ay hore u heysatay. Si fiican ayay u taqaannaa dhiggeeda Sergei Ryabkov, oo ay hore iskala soo shaqeeyeen arrimaha xakameynta hubka ee Suuriya iyo Iiraan. Inkatsoo aan wax heshiis ah lagu gaarin shirka oo socday siddeed saacadood, haddana Mr Ryabkov ayaa garwaaqsaday in Mareykanku uu si fiican u daraaseeyay arrimaha uu Ruushku soo jeediyay. Midnimada Mareykanka iyo Yurub ayaa caqabad ay la soo dersi doontaa haddii xukuumadda Moscow ay diiddo dalabka wada hadallo dhanka ammaanka ah oo ay toddobaadkan la gasho Nato. Balse khubarrada qaar oo ku sugan Washington ayaa qaba in diblomaasiyadda Mareykanka ee arrintan ay ahayd mid miro dhal ah. Ruushka ayaa soo bandhigay dalabaadyo dhowr ah oo uu uga dan leeyahay inuu ka hortago in Nato ay ku ballaarato bariga sidoo kalena lagu yareynayo joogitaanka isbahaysiga ee meelaha u dhow xudduudaha Ruushka. Nato ayaa si qayaxan u diidday dalabaadyadaas balse waxay sheegtay inay rajeyneyso inay ka wada hadlaan arrimaha kale ee xakameynta hubka iyo xaddidaadda howlaha militari. Nato, ama Ururka Cahdiga Waqooyiga Atlaantikada, waa isbahaysi difaac oo ay xubno ka yihiin 30 dal, waxaana markii ugu horreysay la aasaasay sanadkii 1949." https://www.bbc.com/somali/war-59975976 +politics "Colaadda Ukraine iyo Ruushka: Madaxweyne Biden ""Putin wuxuu go'aansaday in uu weeraro Ukraine""" "Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu go'aansaday in uu weerar ku qaado dalka Ukraine. Wuxuu intaa ku daray in weerarka uu dhici karo maalmaha nagu soo aadan. Biden wuxuu sheegay in qiimeynta lagu saleeyay sirdoonka Mareykanka oo soo jeediyay in magaalada caasimadda ah ee Kiev uu Ruushka beegsanayo. Ruushka ayaa marar badan beeniyay in uu damacsanyahay in uu weeraro dalka ay deriska yihiin ee Ukraine. Waddamada Reer Galbeedka ayaa ka cabsi qabaa in Ruushka uu isku dayo in uu qalalaaso been abuur ah uu ka huriyo gobollada dhaca bariga Ukraine si uu marmarsiinyo uga dhigto duullaanka. Maraykanku waxa uu ku qiyaasay in 169,000-190,000 oo Ruush ah inay ku sugan yihiin gudaha iyo agagaarka Ukraine, tiradaas oo ay ku jiraan dagaalyahannada uu Ruushku taageero ee ka howlgala jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taageeda ee Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine. Khudbad uu ka jeediyay Aqalka Cad, madaxweyne Biden wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu haysto ""sabab uu ku aamino"" in ciidamada Ruushka ""ay damacsan yihiin isla markaana ay doonayaan inay weeraraan Ukraine toddobaadka soo socda ama maalmaha nagu soo aadan"". ""Ilaa iyo hadda, waxaan rumeysanahay in Ruushka uu go'aankaas qaatay"" ayuu Biden hadalkiisa sii raaciyay. Biden wuxuu sidoo kale sheegay in Ruushka uu weli heysto waddo diblumaasiyadeed oo lagu qaboojin karo xaaladda si wadahadal loogu xalliyo xiisadda. Shaley, waxaa soo baxayay astaamo kale markii hoggaamiyeyaasha madaxda kooxaha gooni u goosadka ay shaaciyeen in dadka ay ka daadgureynayaan halkaas xilli ay sheegeen in Ukraine ay bilowday inay duqeysay halkaas ayna qorsheyneyso weerarro, arrinta oo xiisadda sii hurisay. Ukraine ayaa marar badan sheegtay in aysan qorsheyneynin wax weerar ah, wasiirka arrimaha dibadda Dmytro Kuleba ayaa meesha ka saaray waxa uu ku tilmaamay ""warbixinnada been abuurka ah ee Ruushka"". Boqollaal kun oo qof ayaa ku nool gobolkan, daadgureyntan waxay noqon kartaa mid ballaaran, mana jirto caddeymo muujinayaa in daadgureynta ay bilaabatay balse warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sheegtay in dhowr bas oo soo daadgureeyay dadka deegaanka ay ku sii jeedeen Ruushka. Kremlin wuxuu sheegay in madaxweyne Putin uu amar ku bixiyey xero qoxooti in dadkaasi looga diyaariyo deegaannada ku dhaw xadka Ukraine gargaar degdeg ahna dadkaasi lala gaaro. Ruushka ayaa tani 2014-kii taageero u fidinayey jabhadda hubeysan ee ee dagaallama bariga Ukraine ee Donbas kadib dagaal dhiig badan ku daatay oo k adhacay halkaas, Waxaana dagaalkaasi ku dhintay dad kor u dhaafayay 14,000 oo u badan dad rayad ah. Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay dhacdooyinkii 48 saac ee la soo dhaafay dhacayey ay qayb ka yihiin dandaansiga been abuurka uu Ruushka wado, si uu baneysto weerarada gardarrada ah. Sirdoonka Ukraine waxay xalay sheegeen iney heleen xog ku saabsan in waxyaabaha qarxa lagu xiray kaabayaasha dhaqaalaha ee ee ka jira Donetsk. Putin oo sheegay hal arrin oo looga baaqsan karo dagaal dhexmara Ruushka iyo NATO NATO ma awooddaa in weeerarka Ruushka ay ka difaacdo Ukraine? Biden oo fariin deg deg ah u diray dadkiisa ku sugan Ukraine Dhanka kale, Madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin ayaa sheegay in xaaladda bariga Ukraine ay ka sii dareyso. Shir jaraa;id oo uu Jimcihi qabtay Putin wuxuu ka dhawaajiyay eedeymo ku saasban xadgudubyo dhanka xuquuqda aadanaha ah, takoor in lagula kacay dadka afka Ruushka ku hadlo ee ku nool Ukraine. Wuxuuna saxaafadda u sheegay in uu diyaar u yahay in uu madaxda reer galbeedka kala hadlo xasaradaha ka taagan Ukraine, balse waxa uu ku eedeeyay in ay iska indho tireen walaaca amni ee Ruushka, waxa uuna ka digay in heshiis kasta uu ku jiro ballan qaad sharci ah oo ku aadan in gaashaanbuurta Nato ay joojin doonto isballaarinta ay ka waddo bariga Yurub." https://www.bbc.com/somali/war-60443051 +politics Muuqaal tusinaya sida canug yar oo shan jir ah ay booliska Mareykanka ugu jeesjeesayaan "Kaamarada ku rakiban dharka askari boolis Ameerikaan ah ayaa muujisay askar boolis ah oo katiinadaynaya wiil yar oo shan jir ah oo ooyaya oo ka soo cararay iskuulkiisa. Muuqaalka, oo booliska Maryland ay Jimcihii baahiyeen, ayaa tusinaya laba askari oo wiilka hooyadii ku leh ""waa inaad garaacdaa"" canugan. Dhacdadan oo la diiwaangeliyay bishii Janaayo ee 2020 ayaa haatan wiilka hooyadii waxa ay la beegsanaysaa maxkamadda. Qareennadeeda ayaa waxa ay ku andacoodeen in wiilka ay dhibaato maxkaxeed soo gaartay. Askarta ka tirsan waaxda booliska ee deegaanka Montgomery ayaa waxa ay canuga ka heleen meel dhowr waddo ka fog iskuulkii uu dhiganayay, kaamerada dharka ku xiranna waxa ay muujinaysaa canuga oo ka ooyaya qeybta dambe ee gaariga xilli iskuulkiisa lagu celinayay. Askarta ayaa iskuulka u raacay canuga iyo mid ka mid ah shaqaalaha iskuulka. Haweeney askariyad ah ayaa la maqlayaa iyadoo oronaysa, ""taasi waa sababta ay tahay in dadku ay carruurtooda garaacaan."" Gudaha xafiiska kaaliyaha maamulaha iskuulka, ayuu canugu bilaabayaa inuu kor u ooyo muuqaalkana waxa uu muujinayaa mid ka mid ah askarta oo canuga toos ugu qaylinaya. ""Aamus oo qaylida jooji!"" askariga ayaa leh. ""Waxaan jeclaan lahaa in hooyadaa ay ii ogolaato inaan ku garaaco."" Markii dambe waxaa iskuulka timid wiilka hooyadii, muuqaalkana waxa uu muujinayaa labada askari oo ku dhiirigelinaya inay wiilkeeda garaacdo. ""Waxaan doonaynaa inaad garaacdid,"" askari ayaa sidaas ku leh. Hooyada ayaa ku jawaabaysa inay ka walaacsan tahay in xabsiga loo taxaabo, hasayeeshee askari ayaa ku jawaabaya: ""Xabsi kuma mutaysanaysid inaad canugaaga garaacdid."" Askari ayaa markaas kaddib canuga ku hor katiinadaynaya hooyadii, oo waxa uu wiilka ku leeyahay: ""Ma garanaysaa waxa loogu talagalay katiinadahan? Waxaa loogu talagalay dadka aanan garanayn sida wax loo dhagaysto iyo weliba sida ficil loo sameeyo."" Askariga ayaa daqiiqad kaddib katiinadda wiilka ka furaya. Will Jawando oo ka tirsan xubnaha Golaha Deegaanka Montgomery oo ah ninka dalbaday in muuqaalka la baahiyo ayaa sheegay in muuqaalkaas uu ""walaac galiyay"", waxaa sidaasi ku warramay wargeysa the Washington Post. ""Waxaynu dhammaantayo aragnay wiil yar oo lagu ciyaarayo, oo la sharafdilayo, misana lagu riday qeybta dambe ee gaariga booliska, oo ku ooyaya xabadka askari boolis ah, oo waxyar uun u jira wajigiisa. Taasi waa tacadi,"" ayuu yiri. Bayaan ka soo baxay mas'uuliyiinta iskuulka deegaanka Montgomery ayaa muuqaalka waxaa lagu tilmaamay ""mid ay aad u adag tahay"" in la daawado. ""Wax sharciyad ah dadkaas waa wayn uma haystaan inay canuga sidaas ula hadlaan ama ay qaabkaas canug u handadaan,"" ayaa bayaanka lagu yiri. Waaxda booliska deegaanka Montgomery ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in labada askari la marsiiyay baaritaan gudaha ah, iyadoo wixii lagu ogaaday baaritaankaasna aanan la shaacin. Sidoodii caadiga aheyd ayey u shaqeeyaan, ayey waaxdu tiri. Bayaanka ayaa lagu sheegay in baaritaanka noocaas oo kale ah uu yahay wax sir ah marka la fiiriyo sharciga Maryland sidaas daraadeedna aanay waxba ka sheegayn xogta la ogaaday. Wiilka hooyadii ayaa waxa ay maxkamad gaynaysaa maamulka Deegaanka Montgomery, labada askari ee booliska ah, iyo guddiga waxbarashada ee deegaankaasi." https://www.bbc.com/somali/war-56559404 +politics Nukliyeerka Caalamka: Hubka ay heysato Pakistaan oo ka badan midka Hindiya "Warbixin ay soo saareen khuburro ka tirsan macadka caalamiga ah ee qaabilsan cilmibaarista arrimaha nabadda ee SIPRI ee fadhigiisu yahay Stockholm, ayaa lagu sheegay inuu kordhay hubka Nukliyeerka ee dalalka qaar ee adduunka ay haystaan. Waxaan waddamadaas ka mid ah Shiinaha, Hindiya iyo Pakistaan. Shiinaha wuxuu sameystay 30 xabbo oo dheeraad ah oo hubka nukliyeerka, marka loo barbardhigo sannadkii la soo dhaafay. Tirada guud ee hadda uu haystana waa 350 oo xabbo oo hubka nukliyeerka ah. Halka Pakistaan ay sameysatay 5 xabbo oo cusub oo hubka nukliyeer ah, tirada guudna waxay u noqoneysaa 165 xabo hub nukliyeer ah. Hindiya waxay sameysatay 6 xabbo oo dheeraad ah, guud ahaanna hubka nukliyeerka Hindiya wuxuu haatan garayaa 156 xabbo, sida lagu sheegay warbixinta SIPRI. Xilligan oo ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan, sheekadan waxaad wax badan uga fahmi kartaa arrimaha hubka nuclear-ka. Hubkan waxaa loo aqoonsaday inuu yahay midka wax gumaada ee khasaaraha ugu weyn u geysan kara caalamka. Qaraxyadiisa aad ayey u awood badan yihiin, hal bambo oo nukliyeer ahna, waxay baabi'in kartaa magaalo dhan. Qumbuladaha nukliyeerka waxay aad uga waxyeello badan yihiin xitaa bambada ugu weyn adduunka ee aan ahayn nukliyeer. Waxaa jiro waddamo badan oo ay ka mid tahay Iiraan, kuwaas oo aan loo oggoleyn in ay yeeshaan awoodda hubka nuclear-ka, halka kuwo kalena ay heystaan. Waxaa laga yaabaa in aad su'aalo dhowr ah iska weydiiso arrimaha nukliyeerka - laakiin ha walwalin, waxaan halkan kugu soo gudbineynaa jawaabaha aad uga baahan tahay inta badan su'aalahaas ku saabsan nukliyeerka. Waa waxyaabo qarxa oo si xad-dhaaf ah u awood badan. Waxaa laga yaabaa in aad xasuusatid erayada ""atoms"" iyo ""isotopes"", haddii aad soo dhigatay maadada seyniska - kuwaas ayaa qeyb ka ah hannaanka loo maro sameynta bambooyinka nukliyeerka ah. Bambooyinku waxay tamartooda ka helaan maadada atoms-yada oo kala fida ama isu imaada oo si wadajir ah cuf u sameeya. Taasi waa sababta mararka qaar bambaanooyinka nuclear-ka loogu yeero ""atomic bomb"". Hubka nukliyeerka wuxuu sii daayaa xaddi aad u farabadan oo shucaac ah - waana mid sababi kara waxyeello badan - sidaas darteedna, saameynta waxay sii jiri kartaa xitaa marka uu qaraxa dhaco ka dib. Balse labo jeer oo kaliya ayaa la adeegsaday taariikhda dunida - waxaana lagu dhuftay waddanka Japan, sannadkii 1945, xilligaas oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Markaas waxay bambooyinkan sababeen musiibo weyn iyo khasaare nafeed oo aan la qiyaasi karin. Shucaacii ka dhashay bambadii lagu dhuftay magaalada Hiroshima, wuxuu socday dhowr bilood, wuxuuna dilay dad lagu qiyaasay 80,000 oo qof. Bambadii kale ee lagu dhuftay magaalada Nagasaki waxay iyaduna dishay in ka badan 70,000 oo qof. Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay, nukliyeerka wali looma adeegsanin dagaal kale. Sagaal waddan ayaa hadda heysta hubka nukliyeerka. Waxay kala yihiin: Mareykanka, Britain, Ruushka, Faransiiska, Shiinaha, Hindiya, Pakistan, Israa'iil iyo Kuuriyada Waqooyi. Markii sida guud loo eego, jawaabta waxay tahay inuu sameyn karo qof kasta oo aqoon u leh arrimaha seyniska iyo kiimistariga, oo farsamada yaqaanna, qalabkana lagu sameeyana heli kara. Laakiin marka laga hadlayo in waddamada loo oggol yahay sameysashada hubkan iyo in kale, jawaabta su'aashaas waxay qaadaneysaa wakhti dheer, waana sheeko adag. Waxaa jira wax loogu yeero is-afgaradka xakameynta hubka nukliyeerka, oo loo soo gaabiyo (NPT) - kaas oo ah heshiis looga golleeyahay in looga hortago faafitaanka hubka nuclear-ka iyo in laga qaado waddamada aan loo oggoleyn. Tan iyo 1970-kii, illaa 191 waddan, oo ay ku jiraan Mareykanka, Ruushka, Britain, Faransiiska iyo Shiinaha, ayaa saxiixay heshiiska ka hortagga hubka nukliyeerka. Shantan waddan waxaa loogu yeeraa dowladaha ku hubeysan nukliyeerka - waana loo oggol yahay in ay heystaan hubkaas, sababtoo ah, waxay sameysteen oo ay tijaabiyeen ka hor inta aan heshiiska NPT la dhaqan galinin; 1-dii bishii January ee sannadkii 1967. Xitaa iyadoo dalalkan ay heystaan nukliyeerka ay qeyb ka yihiin, iyaga qudhooda waxaa laga rabaa in ay yareeyaan xaddigiisa ay kordhinayaan, loomana oggola inay waligood iska heystaan. Israa'iil (oo waligeed aan qiranin, ama beeninin in ay heysato nukliyeer), Hindiya iyo Pakistan midna qeyb kama ahan heshiiskaas, mana aysan saxiixin. Kuuriyada Waqooyi waxay heshiiskaas ka baxday sannadkii 2003. Iiraan waxay barnaamijkeeda nukliyeerka billowday 1950-meeyadii, mar kastana waxay ku adkeysaneysay in tamarta nukliyeerka ay sameysaneyso ay tahay mid nabad ah. Laakiin waxaa jiray shaki laga qabay in ay si qarsoodi ah u sameysaneyso hubka nuclear-ka. Arrintaas waxay keentay in Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Midowga Yurub ay cunaqabateyno ku soo rogaan, sannadkii 2010-kii. Tani waxay keentay in sannadkii 2015-kii ay heshiis galaan Iiraan iyo waddamada kale ee quwadaha waaweyn, kaas oo ay Iiraan ku saxiixday heshiis dhigaya in ay baabi'iso warshadeheeda bacriminta nukliyeerka, si cunaqabateynta looga qaado. Laakiin Madaxweynaha Mareyaknka Donald Trump ayaa heshiiskaas cagta ku dhuftay, bishii May ee sannadkii 2018. Hadda waxay dalalka reer Yurub, Iiraan loollan ku galinayaan in aysan u hoggaansamin qodobbadii heshiiska. Sidoo kale, markii ay sannadkan cirka isku shareereen xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan, Madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray in Iiraan aan loo oggolaan doonin in ay yeelato hubka nukliyeerka inta uu isaga madaxweyne yahay. Ka dib markii ay caro ka dhalatay dilkii Mareykanka uu magaalada Baqdaad ugu geystay janaraalkii reer Iiraan ee Qasem Soleimani, Iiraan waxay sheegtay in aysan usii hoggaansami doonin xaddidaadii qeybta ka ahayd heshiiska. Sida kor ku xusan, waxaa mustaqbalka la damacsan yahay in hubka nuclear-ka laga baabi'iyo guud ahaan dunida. Run ahaantii, tirada bambooyinka nuclearka ee dunida taallay waxay hoos uga dhacday 70,000, oo ay ahaayeen sanadkii 1986-kii, maantana waa 14,000 oo bambo. Mareyknaka, Britain iyo Ruushka waxay dhammaantood hoos usii dhigayeen xaddiga ay hubkaas ka heystaan, laakiin waxaa la aaminsan yahay in Shiinaha, Pakistan, Hindiya iyo Kuuriyada Waqooyi, ay sameysanayeen bambooyin dheeraad ah, sida uu sheegay ururka seynisyahannada Mareykanka. Bishii July ee sannadkii 2017-kii, waxay u muuqatay in dunida ay hal tallaabo u qaadday sidii looga xoroobi lahaa hubka nukliyeerka, ka dib markii ay in ka badan 100 waddan saxiixeen qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay oo dhigayay in si wada jir ah loo baabi'iyo hubkaas, loona mamnuuco. Laakiin dalalka ku hubeysan nukliyeerka ee kala ah Mareykanka, Britain, Faransiiska iyo Ruushka, ayaa hor joogsaday hirgalinta qaraarkaas. Britain iyo Mareykanka waxay sheegeen in qaraarkaas uusan dammaanad qaadi karin amniga dunida, maadaama nuclear-ka uu udub dhexaad u ahaa ilaalinta nabadgelyada caalamka, muddo ka badan 70 sano. Halka dalalka Mareykanka iyo Britain ay yareynayaan bambooyinka ku jira bakhaarradooda hubka nukliyeerka, haddana khubaro ayaa sheegaysa in ay sii xoojinayaan awoodda bambooyinkaas ay leeyihiin. Britain ayaa sii casriyeynaysa nidaamkiisa hubka nuclear-ka, Mareykankana waxaa laga yaabaa inuu lacag dhan $1 trillion (£703bn), u adeegsado sidii uu u kordhin lahaa awoodda nukliyeerka, ilaa sannadka 2040-ka. Kuuriyada Waqooyina waxay sii waddaa tijaabinta iyo hormarinta barnaamijkeeda nuclear-ka, iyadoo gantaallo tijaabisay dhowaanahan. Sidaas awgeed, inkastoo dunida ay kusii yaraanayaan tirada bambooyinka nukliyeerka, marka loo eego 30 sano ka hor, uma muuqato in mar dhow laga xoroobi doono hubkaas ama si buuxda loo baabi'in doono." https://www.bbc.com/somali/war-57574638 +politics Kongreska Mareykanka oo markale soo jeediyay xil ka qaadista Trump "Aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa markale soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump kadib markii ay u codeyeen inta badan. Afhayeenka Kongreska, Nancy Pelosi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in markale aqalka ay hogaamiso uu soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump, waxaana xil ka qaadistiisa loo gudbinayaa aqalka sare ee Mareykanka. Xildhibaano gaaraya 232 oo katirsan Kongreska ayaa u codeeyay xil ka qaadista Trump kadib markii lagu eedeeyay ""kicin dadweyne iyo xil gudasho la'aan"". Arrintan ayaa ka dhalatay weerarkii taageerayaasha madaxweyne Trump ay dhawaan ku qaadeen aqalka wakiilada ama Kongreska ee dalka Mareykanka. Sidookale xildhibaano gaaraya 10 oo katirsan isla xisbiga uu madaxweyne Trump hogaamiyo ayaa sidookale u codeeyay xil ka qaadistiisa, halka 197 xildhibaan oo katirsan isla xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ay kasoo horjeesteen. Xil ka qaadista ay soo jeediyeen aqalka Kongreska ayaa ka duwan tii hore oo markii hore ma aysan jirin xildhibaan katirsan xisbiga madaxweyne Trump oo u codeeyay soo jeedinta xil ka qaadistiisa. Go'aanka Kongreska oo loo gudbin doona aqalka sare ayaa haddii ay iyaguna isku waafaqaan waxay ka dhigan tahay in madaxweyne Trump uusan markale u tartami doonin xilka madaxtinimada ee dalka Mareykanka. Meel marinta arrintan ee aqalka sare ayaa u baahnaan doontaa aqlabiyadda xildhibaanada aqalka sare. Madaxweyne Trump oo muddo xileedkiisu ku egyahay 20-ka bisha Janaayo ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykanka ee mar labaad lasoo jeediyo in xilka laga qaado kadib markii lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dadkii weeraray aqalka Capitol. Donald Trump oo Talaadadii ka hadlay arrinkan ayaa sheegay in khudbaddii uu jeediyay asbuucii lasoo dhaafay, ka hor rabshadihii Capitol ee dhimashada sababay, ay ahayd mid ""gabi ahaanba sax ah"". Mr Trump ayaa xilligaas taageerayaashiisa ka dalbaday in ay mudaharaad ku aadaan xarunta golaha Wakiillada ee Congress-ka. Hase yeeshee wuxuu difaacay hadalladiisii, isagoo dhanka kalena ""wax fool xun"" ku tilmaamay dadaallada ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee Congress-ka ugu jiraan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha maadaama uu qalalaase kiciyay. Wuxuu Trump ka digay in arrintaasi ay sababi karto cadho aad u xoog badan." https://www.bbc.com/somali/war-55656708 +politics Clement Chiwaya: Siyaasi isku dhex dilay gudaha xarun baarlamaan "Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Malawi ayaa khamiistii isku toogtay gudaha baarlamaanka, halkaas oo uu kaga qeybgalayay kulanka xildhibaannada, sida uu sheegay baarlamaanka dalkaasi. Clement Chiwaya, oo 50 sano jir ahaa, ayaa isku dhex dilay xarunta baarlamaanka. Intuusan is dilin ka hor wuxuu ka qeybgalay kulan looga hadlayay faa'iidooyinka gaadiidka ee uu xaqa u leeyahaa, xildhibaan ahaan, markii uu xafiiska ka tagayay sannaddii 2019. Afhayeenka booliiska, James Kadadzera, ayaa xaqiijiyay dhacdadaas, laakiin wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo illaa uu warbixin buuxda ka helayo baarayaasha kiiska. Baarlamaanka ""wuxuu ka qoomameynayaa inuu shacabka ku wargeliyo in guddoomiye ku-xigeenkii hore uu isku dhex dilay xarunta baarlamaanka,"" ayaa lagu yiri bayan ka soo baxay Baarlamaanka Malawi. Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in arrintaas ay la xiriirto ""niyad-jab uu ka qaaday in la fulin waayay waxyaabihii uu dalbanayay."" Chiwaya wuxuu iibsaday gaarigiisii, dhammaadkii shantii sannadood ee uu xilka hayey ee sannadka 2019, sida ku cad qandaraaska. Wuxuu isku dayay inuu baarlamaanka bixiyo qarashkii ku baxay shil uu gaarigiisa galay lix bilood ka dib. Kiis ayuu u gudbiyay maxkamad, wali-na go'aan lagama gaarin. Qoraalka ka soo baxay baarlamaanka ayaa u muuqday mid soo jeedinaya in Chiwaya, oo isticmaalay kursiga curyaamiinta, ""si uu ah uu hub ula galo dhismaha baarlamaanka ee aadka loo ilaaliyo."" ""Maadaama uu yahay qof naafo ah, mashiinta lagu baaro dadka markii ay qaaylisay, waxaa loo maleeyay in uu yahay kurisiga uu ku fadhiyay oo bir ka sameysan,"" ayay ayaa lagu yiri bayaanka. Ilo ku sugan baarlamaanka ayaa u sheegay AFP in Chiwaya uu madaxa iskaga toogtay gudaha xafiiska karraaniga baarlamaanka, Fiona Kalembera. Ka hor inta uusan noqon guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka, wuxuu soo noqday xildhibaan, sannadkii 2004." https://www.bbc.com/somali/war-58758158 +politics Aqoonsiga Somaliland: Muuse Biixi oo sheegay in dalkii ay Soomaaliya xiriirka u jarto ay iyaga badalayaan "Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay dib ugu laabtay magaalada Hargeysa kadib booqasho dhawr maalmood ah oo uu ku joogay dalka Kenya ayaa ka waramay waxyaabihii uu kala soo kulmay madaxdii dowladda Kenya. Isaga oo warfidiyeenada uga jawaabayay weeydiimo kala duwan ayuu ka warceliyay su'aal ku saabsanayd sida uu u arko hadalhaynta ku saabsan in Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya sababo la xiriira booqashada uu ugu tagay, wuxuuna yiri ""Qudhayadu waxa ay inoo fureen albaab wanaagsan, albaab dhib yar oo citiraafku ku imanayo, 54-ta dowladood ee Afrikaba maalinba mid ayaan u tagaynaa, iyagana waa u jarayaan, anagana waan badeli doonaa, aniga saas baan u arkaa"". Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in ay tahay markii koowaad oo ay heshiis rasmi ah la galaan Kenya, islamarkaasna war murtiyeed lagu soo saaray waxyaabaha lagu heshiiyay, isaga oo taas ku tilmaamay guul weyn. Kenya ayuu sheegay in ay tahay dalka sedexaad ee Afrika ugu dhaqaalaha Badan, muhiimna ay tahay in ay ganacsi is weeydaarsadaan. Wuxuu sheegay in qaadka miirooga ee Kenya uu ka dego Somaliland, balse wuxuu is weeydiiyay badeecada ay Somaliland u dhoofin karto Kenya, wuxuuna si kaftan ah u yiri ""Anaga maxaan geyneynaa, ma kaftan, ma hadal, ma gabayadii hore?"". Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in uusan warbaahinta la wadaagaynin waxyaabaha isaga iyo Kenya ay ka wada hadleen ee ku saabsan arrimaha citiraafka Somaliland, balse wuxuu qirey in hadal kasta ay ka bilaabaan sababta Somaliland loo aqoonsan waayay. ""Hadalka haddii aanan laga bilaabin citiraafka, waa quraan aan bisinka laga bilaabin"" ayuu yiri Muuse Biixi. Balse isaga oo hadalka sii watay ayuu u muuqday in uu wax kasta ka jeclaan lahaa in Soomaaliya lala heshiiyo marka hore ""Haddii Soomaaliya iyo Somaliland ay heshiiyaan, qolooyinka kale oo dhan meesha waa ay ka saari karaan, maxaad u qaadan weysay taas""." https://www.bbc.com/somali/war-55346074 +politics Boris Johnson: 'Mudaharaadyada nabadeed ee UK waxay iisu beddeleen rabshado' "Ra'sal wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay mudaharaadyada cunsuriyadda looga soo horjeeda ee UK ka socda iney rabshado iisu beddeleen, kaddib marki ay booliska iyo mudaharaadayaasha isku dhaceen. Mr Johnson wuxuu sheegay shacabka iney xaq u leeyihiin iney mudaharaadaan balse rabshadaha ay saameeynayaan mudaharaadayaasha aan la aqbali karin. Kumannaan qof ayaa ka qayb galay mudaharaadyo nabadeed oo sharci ah oo ka socday magaalooyinka waaweyn ee UK. Balse iska horimaad Axaddi shalay ka dhacday London waxay sababtay iney dhaawacmaan sagaal askari oo boolis ah iyo 12 qof oo mudaharaadayaasha ka mid ahaa la xiro. Taliyaha Booliska magaalada Jo Edwards wuxuu sheegay ""mudaharaadyada si nabad ah ku billowday, iney marki dambe iisu beddeleen rabshado iyo xasilooni darro, taasoo la aqbali kareyn"". Mudaharaadayaasha lagu xiray magaalada London waxaa lagu eedeeyey xadgudub iyada mid ka mid ah lagu soo oogay dacwad fal- dambiyeed. Mr Johnson oo cambaareeyey rabshadaha, ayaa Twitter-kiisa ku qoray: ""Dadku waxay xaq u leeyihiin iney mudaharaadaan iyaga oo raacaya talooyinka caafimaad ee kala fogaashaha, balse dadku xaq uma laha iney booliska weeraraan. Mudaharaadyada waxay iisu beddelayaan rabshado iyo burburin hanti oo horseedo ficillo aan loo baahneen. Dadka arrimahaasi ku dhaqaaqana sharciga ayaa la horgeeynayaa."" Sabtidi iyo Axaddii kumannaan mudaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalada London, iyada oo mudaharaadyada ay sida oo kale ku faafeen magaalooyinka Bristol, Manchester, Wolverhampton, Nottingham, Glasgow iyo Edinburgh. Muuqaal mudaharaadayaasha laga duubay ayaa muujinaya iyaga oo waddooyinka buux dhaafiyey oo ku sii jeeda safaaradda Mareykanka, ka hor inta ay aadin isgooyska barlamaanka UK. Balse waxaa caasimadda ka dhacay xoogaha isku dhacya ah oo booliska iyo mudaharaadayaasha dhexmaray. Mudaharaadayaasha qaar waxay booliska ku tuurayeen dhalooyin iyo caagadaha biyaha iyada oo ay booliska mudaharaadayaasha magaalada Westiminister ay ku qasbeen iney waddooyinka banneeyaan. Mudaharaadyada ka dhacay Warwickshire ayaa waxay sababeen ku dhawaad hal saac xaruunta M6 iney xiranto mudaharaadyada meesha ka dhacay awgood. Axaddii mudaharaadayaasha Bristol waxay dhulka soo dhigeen taalla astaan u ahayd ka ganacsiga addoonsiga ee qarniga 17-aad oo loo yaqaanna Edward Colston, oo sanada badan muran uu ka taagnaa, dalxiisayaal badan ayaana taalladaasi u soo daawasho tagayey. Taallada marka ay mudaharaadayaasha dhulka soo dhigeen waxay billaabeen taalladi oo dhulka taalla iney sawirro ka qaadaan iyaga oo ku faraxsan taallada iney dhulka soo dhigaan oo sheegay iney qayb ka tahay tallaabbooyinka ay ugu dhiidhinayaan dilka George Floyd loo geystay. Taallada ayaa markii dambe lagu jiiday waddooyinka magaalada Bristol ugu dambeyntina waxaa lagu tuuray badda. Wasiirka arrimaha gudaha Priti Patel oo cambaareeysay taallada dhulka la soo dhigay ayey ku tilmaantay ""mid aad u ceeb badan"", booliska ugu baaqday iney dhacdadan ay ku soo oogaan dacwad ka dhan ah. Taallada Sir Winston Churchill loo dhisay ee ku taalla isgooyska baarlamaanka waxay mudaharaadayaashu ku buufiyeen inuu cunsuri ahaa tallaabadaasi oo wasiirka arrimaha dibadda James Cleverly uu ku tilmaamay ""doqonnimo aan waxba soo kordhineyn."" Dhinaca kale xildhibaan mucaarad ah ayaa cambaareeyey hadalka ka soo yeeray Wasiirka caafimaadka Matt Hancock ee ahaa ""iney mudaharaadayaasha arrin Mareykanka ka dhacday ay huriyaan sida iney halkan ka dhacday.""" https://www.bbc.com/somali/war-52961531 +politics "Mike Pompeo: ""Dalalka Yurub waxay la safteen Aayatullaah Khamenei""" "Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku eedeeyay dalalka Yurub ""in ay la safteen ayatollah"" ka dib markii ay sheegeen in uusan Mareykanka dib ugu soo rogi Karin cunaqabateyn dalkaasi Iran. Dalalka britain, Fransiiska iyo Jarmalka ayaa waxay sheegeen in Mareykanka uusan xaq sharci u lahayn ""in uu dib ugu soo rogo"" cunaqabateyn sababtoo ah waxaa uu Mareykanak ka baxay heshiiskii Niyukleerka Iraan ee la saxiixay 2018. Dowladda Mareykanka ayaa waxay bilaawday geedi socod muran dhaliyay oo ku saabsan in golaha ammaanka ee Qaramada Midobey ay dib u soo celiyaan cunaqabateyntii saarnayd Iran. Cunaqabateyntan ayaa la qaaday 2015 ka dib markii la gaara heshiiskii Niyukleerka ee u dhaxeeyay Iiraan iyo dalalka reer galbeedka. ""Ma jiro dal aan Mareykanka ahayn oo ku dhiiraday in uu soo gudbiyo qaraar, taa badalkeeda waxay doorbideen inay la saftaan ayatollah,"" waxaa sidaasi sheegay Mr Pompeo. Mr Pompeoayaa si rasmi ah u gudbiyay cabasho isaga oo ku eedeeyay Iiraan in aysan heshiiska u hogaansamin. Wadamada kale ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxay haystaan 30 maalmood gudahood in ay ku ansixiyaan qaraar si looga hortago in cunaqabateynta dib loogu so rogo Iiran. Balse Mareykanka oo xubin joogta ka ah golaha ammaanka ayaa isticmaali kara codka diidmada qayaxan ee Veto loo yaqaanno. Xoghayaha arrimaha dibadda Mr Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka ay sameyn donaan wax walba si loo dhaqangaliyo cunaqabateyno ka dhan aha Iiraan. Tallaabada maamulka madaxwayne Trump ayaa ku soo beegmaysa toddobaad uun ka dib markii golaha ammaanka ay diideen in la kordhiyo waqtiga cunaqabateynta hubka ee Iraan oo imika ku eg bisha October. Mr Pompeo ayaa sheegay ""in khalad wayn ay noqon doonto "" haddii aan la kordhin waqtiga cunaqabateynta hubka Iiraan. Waxaa uu intaa ku daray in Mareykanka aysan ogolaan doonin in Iiraan ay hub culus soo iibsato sida Taangiyada." https://www.bbc.com/somali/war-53858920 +politics al-Qureyshi: Howlgalka lagu dilay wuxuu socday ugu yaraan laba saacadood "Go'aanka ah in koox gaar ah oo beegsato Abu Ibraahim al-Hashimi al-Qureyshi ayaa muujisay inuu Washington uu shaksigan muhiim u yahay. Sanada badan diyaaradaha aan duuliyaha laheen ee mareykanka ay si gaar ah u beegsanayeen shaqsiyaadka ugu muhiimsan ururrada Daacish iyo al-Qaacida. Balse ciidamada howlgallaada shaqsiyaadka hoggaamiya loo diro ee fool ka fool ah dagaalka ula galo waxay la kulmaan khatar aad u weyn, iyada oo tusaale wanaagsan loo soo qaadan karo howlgalki lagu khaarijiyey hoggaamiyihi hore ee al-Qaacida Osama bin-Laadin ee sanadki 2011-ki. Howlgallada noocaasi ahna ciidamada Mareykanka waxay fuliyaan holwgallada noocan ah si ay noolal ugu soo qabtaan iyada oo goobaha dadkaasi lagu tuhmayo ka howlgeliyo sirdoonno aad u badan oo ciidamada Mareykanka xogta la wadaago. Howlgallada khatarta badan ay wajahdayna waxaa ka mid ah howlgal mareykanka uu dammcay inuu Usaama bin-Laadin uu ku soo qabto diyaaraddii helikoobtarka ee ku burburtay oo askar ciidamada Mareykanka ka tirsan ku dhintaan. Howlgal ay sameeyeen ciidamada gaarka ah ayaa sidoo kale sababay dhimashada aasaasihii iyo hogaamiyihii hore ee Daacish Abu-Bakar al-Baqdaadi. Waxa uuna dhintay bishii Oktoobar 2019-kii markii uu is qarxiyay oo ay go'doomiyeen ciidamada Mareykanka ee Suuriya. Al-Qureyshi, oo la wareegay hoggaanka Daacish, ayaa lagu soo waramayaa inuu sidoo kale is qarxiyay intii uu socday duullaankii ugu dambeeyay. Xogta laga hayo hoggaamiyaha Daacish uu Mareykanka sheegay in la dilau al-Qureyshi xog dhammeystiran lagama hayo. Wuxuuna ahaa mid maamulo dhul am adeegaanno aad uga yar kuwi uu maamuli jiray hoggaamiyaha xilka kaga horreeyey ee al-Baqdaadi oo ay Daacish maamuleysay. Waxaase loo malaynayaa in uu al-Qureyshi markii hore ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamadii Ciraaq ee hoggaamiyihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen ka hor inta aanu ku biirin dagaalka ka dhanka ah Maraykanka ka dib 2003-dii oo uu markii hore ka tirsanaan jiray al-Qaacida ka hor inta aanu markii dambe ku biirin IS. Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka waxay horay u ballan qaadday xogta ku saabsan hoggaamiyaha cusub ee Daacish al-Qardaasi iyo halka uu ku sugan yahay ciddi keento in abaalmarin ahaan loo siinayo $10 malyan oo doolar. Washington waxay sheegtay al-Qureyshi ""inuu yahay maskaxda ka dambeysa ururka Daacish"", gacan weyna u ku laha waxa ay ugu yeeren afduub, gawraca iyo ka ganacsiga dadka laga tirada badan yahay ee Yazidiee ku nool Waqooyiga Galbeed ee Ciraaq isla-markaana uu hoggaaminayey qaar ka mid ah hawlgallada argagixisada ee ay kooxda Daacish caalamka ka fulisay. IS ama Daacish hadda kama taliso dhul ballaaran oo Ciraaq iyo Suuriya ka tirsan si la mid ah markii ay awoodda sare lahayd. Sidoo kale malahan awooddi jihaad doonka ee horay u lahaan jireen wixi ka dambeeyey markii ay Daacish baraha bulshada soo jiitay dad ciidan laga qorayo oo dadka kale ku kicinayo inay weerarro ka geystaan halkii ay ku noolaayeen. Waxayna awoodi wayday inay bilawdo nooca hawlgalada dibadda ee Yurub sida weeraradii Paris ee 2015-kii. Sanadki hore faraca IS-K ee Afghanistaan ayaa sanadki hore indhaha caalamka soo jiitay kaddib marki weerar lagu hoobtay ay kooxdu ku qaadday magaalada Kabul oo ay ku beegsadeen Mareykanka iyo Xulafadiisa xilligi ay dalkaasi ka baxayeen. Laakiin waxaa jiray walaac bilihii u dambeeyay ka imaanayay saraakiisha la dagaallanka argagixisada oo ku aaddan in kooxdu ay isku dayayso in ay dib uga so laba kacleyso Ciraaq iyo Suuriya oo ay awooddoda soo celiyaan. Waxaana weerarkaasi ka dambeeyey weerarki gaadmada ahaa ee ay ku qaadeen xabsi ku yaalla waqooyiga Suuriya oo ay daacish damacsaneyd iney xubnaha macabiista ah ee halkaasi ku xireen ay soo furtaan. Washington waxay rajeyneysaa dilka al-Qureyshi inuu hakiyo isku dayga daacish ay ku dooneyso iney dib isugu soo abaabusho. Xaqiiqaduna waxay tahay inta badan in kooxuhu ay si fudud u helaan hoggaamiye cusub laakiin rajadu waxay noqon doontaa in dadaalka hoggaamiyeyaasha cusubi u baahan yahay inay ka baxaan deegaannada lagu bartilmaameedsan karo si ay u sii noolaadaan waxayna sidoo kale adkeyn doontaa kooxda inay howlgasho ayna is abaabulaan." https://www.bbc.com/somali/war-60251611 +politics War kasoo kordhay arrinta gabadhii uu hoggaamiyaha Al-Qaacidda u soo diray farriinta ammaanta ah "Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa la isla dhex marayaa warar soo cusboonaaday oo ku saabsan gabadh u dhalatay Hindiya oo horay loogu bartay muuqaal laga duubay xilli jaamacaddeeda laga hor istaagay inay gasho iyadoo xijaab xiran. Muuqaalkaas ayaa laga arkayay gabadhan oo markii rag ka gadoodsanaa xijaabkeeda ay hareereeyeen ku dhawaaqaysa ""Allahu Akbar"". Muskan Khan ayaa hadal haynta caalamka sii qabsaday kaddib markii uu hoggaamiyaha Al-Qaacida oo in muddo ah aan warkiisa la maqlin uu soo duubay muuqaal uu iyada ku amaanayo. Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee dalka Hindiya iyo bogag badan oo baraha bulshada ah ayaa tabiyay in Muskan Khan ay ka tagtay Hindiya iyadoo aan wargelinin booliska. Waxa xitaa dadka qaar tabinayaan hadallo lagu qeexay ""cunsuriyad"" kaddib markii ay ku eedeeyeen Muskan in ay u baxday si ay ula kulanto ""argagixisada"". Shabakad Youtube ah oo lagu magacaabo ""Capital TV"" ayaa lagu shaaciyay war ku saabsan in Muskan Khan ay u safartay waddanka Sacuudiga, halkaasoo ay u raaceen qoyskeeda, sida uu sheegay wargayska Alt News ee kasoo baxa Hindiya. Waxa uu kanaalku sheegay in qoyska ay heleen dhaqaale ay safarka kharashkiisa isaga bixiyaan. Balse ma jiraan warar kale oo madax bannaan oo xajiininaya meesha ay ku dambaysay gabadha ardayadda ah. Inkastoo qiyaastii hal bil la isla dhex marayo wararkan haddana ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxday gabadha iyo qosykeeda toona. Waxa kaliya ee la ogyahay waa in gabadhan qoyskeeda ay dhowr bilood ka hor ku gacan sayreen farriinta ka timid hoggaanka al-Qaacida ee gabadhooda lagu ammaanayay. Ayman al-Zawahiri oo muddo dheer aan laga warhaynin, dadka qaarna ay u haysteen inuu geeriyooday ayaa isbuucan si lama filaan ah muuqaal amaan ah ugu soo diray Muskan Khan, oo ah ardayad Hindi ah oo kasoo jeedda gobolka Karnataka. Waxa uu ku bogaadiyay ficilkeedii caanka noqday ee ay ku wajahday dad ku mudaharaadayay Xijaabkeeda, iyadoo laga soo duubay muuqaal ay koox rag ah ku cabsi galinayeen. Muskan ayaa raggii ku soo xoomay ku qaylisay iyadoo dhahaysa ""Allahu Akbar"". Hoggaamiyaha al-Qaacida, Ayman al-Zawahiri, ayaa arrintaas ay Muskan samaysay la dhacay, waxa uuna sheegay in ay tahay ""haweeney sharaf leh"". Cajaladda uu soo diray Zawahiri, ayaa ciwaan looga dhigay oraah micnaheedu yahay ""Gabadha Sharafta leh ee Reer Hindiya"".Ayman al-Zawahiri ayaa muuqaalkan xushmad weyn ugu muujiyay heerka Muslimnimada ee Muskan Khan. Maxamed Xuseen Khan, oo ah ninka gabadha dhalay, ayaa al-Qaacida ka codsaday in ay amaan siiyaan isaga iyo qoyskiisa. Jawaabtiisa oo hadalhayn aad u xooggan dhalisay ayaa noqotay mid ay aad ula yaabeen dad badan oo isticmaala baraha bulshada. Aaabahan ayaa farriinta uu al-Zawahiri usoo diray gabadhiisa ku tilmaamay arrin ""khalad"" ah. Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu Xuseen sheegay ""in qoyskiisa ay Hindiya dhexdeeda ugu nool yihiin si nabad ah, haddana aysan doonaynin in ""si aan loo baahnayn indhaha loogu soo jeediyo""." https://www.bbc.com/somali/articles/c29xz074x8zo +politics Bangladesh ayaa xirtay nin ay labaatan sano ku raad joogtay "Nin looga shakiyey inuu ugaarsaday in ka badan 70 Shabeel oo ka mid nooca Shabeelka ee ka sii dabar go'aya Bangaldesh ayaa la xiray kaddib marki 20 sano lagu raad joogay. Booliska dalka Baangladesh waxay sheegen Xabiib Talukder oo loo yaqaanno ""Xabiib Tiger"" in ugu dambeynti gacanta lagu sii dhigay, iyada oo horay seddex waaran oo soo qabasha ah loo soo saaray. Ninkan ayaa Shabeelka ka ugaarsanayey keynta Sudarbans mangrove ee ku taalla xadka ay wadaagaan Hindiya iyo Bangladesh. Keymahaasi ayaa ah meesha ay ku nool yihiin Shabellada Bangladesh ee Adduunka ugu badan. Iyada oo dunida oo dhan la sheego Shabeelka noocan ah iney tiro aad u yar ku soo hareen oo ay ka sii dabar go'ayaan. Ganacsatada Suuqa madoow ayaa iibsatay Saanta, Lafaha iyo Hilibka Shabeelkaasi iyaga oo suuqyada caalamka si qarsoodi ah uga iibgeeyo. ""Ninkan in mudda ah ayuu baxsad ahaa,"" ayuu yiri taliyaha booliska Saidur Rahmaan oo u warramay wargeyska Dhaka Tribune. Xabiib Talukder oo 50 jir ah ayaa ugaarsiga Shabeelka billaabay xilli uu keymahaasi uu gaaguur Shinni ah ka goosanayey. ""Waan ilaalinnaa waana ka baqnaa"" ayuu yiri Cabdusalaam oo ka mid ah dadka Gaaguurta Shinnida ka shaqeysta oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP. Cabdul Mannaan oo booliska ka tirsan oo u warramay wargeyska Dhaka Tribune wuxuu sheegay booliska iyo shaqaalaha waaxda ilaalada keymaha iney sanada badan baadi goobayaan Xabiib Talukdey si ay u soo qabtaan. ""Si qarsoodi ah ayuu ku galayey Sundarbans kaddibna ku ugaarsanayey duurjoogta uu Shabeelka ugu horreeyo iyada oo dalkaasi lagaga mamnuucaya keyntaasi in duur joogta laga ugaarsado,"" ayuu yiri mar uu saxaafadda uu u warramayey. ""Wuu sii waday fala-dambiyeedki caadeystay inkasta oo ay jiraan dacwado badan oo isaga ka dhan ah… iyada oo arrintanna ay ku lug leeyihiin kooxa abaabulan oo burcad ah."" Wargeysku wuxuu sheegay ninkan looga shakisan yahay ugaarsiga Shabeelka ee ay booliska muddada dheer raadceeynayeen in subaxnimada Sabtida gacanta lagu soo dhigay . Tirakobka 2018-kii lagu sameeyey Shabeelka dalka Bangladesh ku nool gaar ahaanna keymaha Sundarbans ayaa lagu sheegay iney gaartay 114 iyada oo 2015-kii ay ahayd 106 oo keli, taasoo lagu sheegay iney tirada Shabeelka sare u kacday. Hay'adda daryeesha duurjoogta ee WWF ayaa sanadki hore shaacisay kaddib marki uu hoos u dhac xooggan uu 10-kii sano ee ugu dambeeyey uu ku yimid tirada Shabeelka caalamka, oo ay haatan tirada dib u soo noqoneyso." https://www.bbc.com/somali/war-57312399 +politics "Geerida boqoradda: ""Afrikaanka raalli gelin bey mudan yihiin""" "MJ Mojalefa oo ka tirsan raadiye ay xaruntiisa ku taalla xaafadda mashquulka badan ee Hillbrow ee Johannesburg ayaa wuxuu daadihinayaa barnaamij ay ka qeyb qaadanayaan dadweynaha si ay ula wadagaan fikaradooda ku aadan dhaxalka ay ka tagtay boqororadda Ingiriiska kadib geeridii boqorada Elizabeth II.\nBarnaamijkan waxaa inta badan ka qeyb qaadanyay dhageystayaasha ku xiran raadiyaha oo u badan dhallinyaro.\n\n""Waxaa na gumaystay Ingiriiska iyo [Boqoradda] weligeed ma aysan baddelin dhaqankaas,"" ayuu yiri mid ka mid ah dhageystayaasha soo wacay raadiyaha.\n""Dadku arrintaas wey isaga gudbeen, waa wax laga soo tagay,"" ayuu yiri qof kale oo ka qeyb qaadanayay barnaamijka. Weriyaha barnaamijkan, MJ Mojafela, waxa uu raali galin ka codsanayaa Boqorka cusub ee Charles III: ""Dadka badankoodu waxa ay yiraahdeen boqoradda nama raalligelin - taasina waa waxa ay ka doonayeen iyada."" Waxaa sanadkii 1961-kii lagu dhawaaqay in dalka Koonfur Afrika uu yahay Jamhuuriyad, xeerarkii ku dhisnaa midab takoorka ayaa jiray muddo 13 sano ah, 9 sano oo kamid ah waxay aheyd xilliggii ay awoodda heysay boqorad Elizabeth II. Dhallinyaro badan oo u dhashay Koonfur Afrika ayaa taariikhdaas ku reebtay in ay la tacaalaan sidii la isu waafajin lahaa waayihii xanuunka badnaa ee soo maray iyo xaaladda haatan. Waa dareen mar kale laga maqlay raadiyahan gaar ahaan fannaaniinta Mzoxolo ""X"" Mayongo iyo Adilson De Oliveira kuwaas oo heestooda diiradda ku saaray in ""in laga baxo guumeysiga"". ""Marka la eego taariikhda Koonfur Afrika, kaliya ah diiradda ma saarno arrinta heybsooca,"" ayuu yiri De Oliveira. Isagoo ayeeyadii kala hadlayay waayo-aragnimadii ay kasoo maartay ku noolaanshaha midab-takoorka ayaa Mayongo wuxuu yiri ""Uma adkeysan kartid nabarrada. Sidee uga bogsaneysaa boogahaas?"" ayuu weydiiyey ayeeyadii. Laakiin labaduba waxay sheegayaan in xilligan ay fursad u siinayso King Charles III inuu xiriir cusub la yeesho qaaradda Afrika. ""Dhammaanteen kuma jirno xaalad mugdi ah,"" ayuu yiri De Oliveira. ""Waxaan u maleyneynaa in xiriirka mustaqbalka ee boqortooyadu ay suurtagal tahay in ay la yeelan karto Afrika uu noqon karo mid mas'uuliyad ku dheehan tahay- si miiska wadahadalka loo soo fadhiisiiyo dalalka Afrikaanka ah"". Mar wax laga weydiyay suurtagalnimada arrintaas, waxay labadooda ku jawaabeen inay doonayaan in laga wadahadlo sidii magdhaw lagu bixin lahaa, in dib loo soo celiyo agabkii taariikhiga ahaa ee la dacay iyo soo celinta kheyraadka tusaale ahaan dheemaankii ugu badnaa ee qaaradda laga helo.\nSi lamid ah baaqyada noocan ah waxaa laga soo tebiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kenya dhawaan waxaa xilka madaxweynaha loo dhaariyay William Ruto oo noqday madaxweynihii shanaad ee soo maray Kenya tan iyo markii ay xoriyadda ka qaateen Ingiriiska sanadkii 1963. Kenya waxaa si weyn looga hadlay geerida ku timid boqoradda Ingiriiska, waxaa sidoo kale dalkaas ka dhashay dood soo cusboonatay oo ku aadan xiriirka dalkan uu la leeyahay dalkii horey soo usoo guumeystay. ""Waa arrin murugo ah dhimashada boqoradda"" ayuu yiri Nelson Njau oo 30 jir ah xilli uu ku sugnaa afaafk hore ee garoonka Moi International Sports Center oo lagu dhaarinayay toddobaadkii hore madaxweyne Ruto. ""Waa inay raalli gelin ka bixiyaan-waxay ku sameeyeen dalalka Afrika, hantideena iyo dhaqankeena"" ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Sammy Musyoka oo 29 jir ah oo isagan afaafka garoonkii lagu dhaariyay Ruto ayaa yiri ""Si xun ayaa na loola dhaqmay"". Dhawr bilood ka dib markii boqorad Elizabeth II xilka loo caleemo saraay, jabhaddii ka dagaallamaysay Kenya ee Mau Mau ee ka soo horjeeday gumaystaha Ingiriiska ayaa si arxan darro ah loola dhaqmay, iyadoo guddiga xuquuqul insaanka Kenya ay sheegeen in 90,000 oo qof la dilay, la jirdilay ama la dhaawacay xilliggaas. Sannadkii 2013-kii, dawladda UK waxay ogolaatay inay 5,000 oo oday oo u dhashay Kenya la siiyo $22.6m oo doolar kadib xadgudubyadii ay kala kulmeen maamulkii gumaysiga. Caroline Murigo, oo sheegtay in ay ka weyn tahay 50 jir, ayaa inoo sheegtay in geerida boqorada ay murugo badan tahay.\n""Waa qof aan aqaanay nolosheyda oo dhan. Waa arrin murugu leh. Waxaan u rajaynaynaa wanaag oo dhan boqorka cusub, King Charles."" Tacsida ay direen madaxda iyo mas'uuliyiinta qaaradda waxay si wadajir ah u amaaneen boqoradda gaar ahaan diiwanka waxqabadkeeda iyo la shaqeynteeda qaaradda, Uganda oo ay ku tegtay booqashadeedii ugu dambeysay kadib shirkii ay lahaayeen dalalka ka tirsan ururka Barwaaqo Sooraanka 2007, baarlamaanka dalkaas ayaa yeeshay fadhi gaar ah oo lagu xusayo boqoradda. Dhinaca Nigeria oo uu guumeystay Ingiriiska, Kaniisadda Nigeria Anglican Communion ee Abuja waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayo boqoradda. Weriye ka tirsan BBC-da oo munaasabaddaas ka qeybgalay ayaa sheegay in dadkaas aysan niyaddaadu wanaagsanayn balse dad badani aanay doonayn inay ka qeybgalaan tacsida boqoradda - malaha waxay ka tarjumaysaa dooddii kululayd ee ka dhalatay dhaxalka Boqortooyada Ingiriiska ee Afrika. Douglas Mwangi oo 32 jir ah kuna nool xaafadda Mathare ee duleedka Nairobi ayaa qaba in loo dabbaaldego shaqadii ay boqoradda ka qabatay ururka Barwaaqo-sooranka oo ay horkaceysay muddo 70 sano ah, waa urur ka kooban 56 dal oo u badan dalalkii uu horey u guumeystay Ingiriiska. Douglas wuxuu sanadkii 2018-kii booqday qasriga Buckingham si uu uga gudoomo Abaalmarinta Hogaamiyaasha da'da yar ee Boqorada, wuxuu tababar iyo maalgalin ka helaa hay'adda Boqortooyada Commonwealth Trust taasoo ka caawisa ururkiisa inuu dhalinyarada ku taageero xirfadaha teknooloojiyadda. Wuxuu sheegay in hay'addaas ay caawisay in ka badan 14,000 oo qof oo ku nool xaafadda Mathare tan iyo 2014kii. Dadkan dhammaantood isku dareen ma ahan, Mr Njau oo ah ganacsade ku nool dalka Kenya ayaa sheegay in uusan arkin in ururka Barwaaqo-sooraanka uu wax caawimaad ah u fidiyay. Doodda ka dhalatay geerida boqoradda waxay caddeyn u tahay inay jiraan boogo badan oo aan weli boogsan iyo dhaawacyadii dadka kasoo gaaray guumeystaha, dadka qaarna waxay qabaan in la joogo xilliggii uu Ingiriiska iyo boqorka cusub ay bilaabaan wadahadallo daacad ah si ay ula yeeshaan dadka Afrikaanka ah kuwaasoo ku saabsan daweynta nabarradaas." https://www.bbc.com/somali/articles/cjj214v85y9o +politics MI5: BBC-da oo daabacday warbixin ku saabsan nin sirdoon ah oo muddo laga hor taagnaa "Nin jaajuus ah oo ka tirsan hay'adda sirdoonka gudaha ee dalka Ingiriiska - oo magaceeda loo soo gaabiyo MI5 - ayaa awooddiisa shaqada u adeegsaday si uu ugu argagixisyo haweeney saaxiibtiis ah, isagoo kaddibna dibadda u aaday si uu shaqadiisa basaasnimada usii wato xilli uu baaritaan ku socday. BBC-da ayaa ogaatay xogtan oo ay dabagal ku samaysay. Muuqaal la helay ayaa muujinaya ninkaas oo haweeneyda ugu hanjabaya inuu dilo, waxa uuna ku weeraray baangad. Ninkan oo ajnabi ah magaciisa lama xusi karo, inkastoo caddeymo loo hayo in uu halis ku yahay dumarka, maadaama ay dowladdu maxkamad ku dacwaysay BBC-da si ay uga hor istaagto in la daabaco xogta. Caddeymaha ayaa muujinaya in uu jaajuuskaas yahay xagjir ka tirsan garabka midig-fog, horayna u sameeyay waxyaabo qalalaase ah. Kiis adag oo maxkamadda ka dhacay ayay shirkadda BBC-da ku doodday in haweenku ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan magaca iyo aqoonsigan ninkan, taasina ay dad kale ka ilaalinayso dhibaato soo gaarta. Balse waxaa lagu guulaystay oo keliya in la iska celiyo isku daygii ay dowladdu ku doonaysay in lagu hor istaago daabicidda sheekadan. Beth, oo ah muwaadinad u dhalatay Britain ayaa ninkan basaaska ah kula kulantay barnaamij online ah oo lagu haasaawo. Lamaanaha ayaa gaaray ilaa heer ay si wadajir ah isula dagaan guri ku yaalla UK. Markii hore, sida ay sheegtay, waxa uu ahaa ""nin aad u fiican"". Waxay u muuqdeen in ay meelo badan isku dabeecad ka yihiin. Balse muddo kaddib, waxaa la ogaaday inuu yahay nin fikir xagjirnimo ah aaminsan, aadna u jecel qalalaasaha. Beth - oo magaceeda dhabta ah uusan sidaas ahayn - ayaa sheegtay inuu u gaystay xadgudub galmo, dhibaato xoog lehna uu ku hayay. Waxa ay sheegtay in uu awooddiisa shaqo ee laamaha amniga Britain u adeegsaday inuu ku cabsi geliyo iyada. ""Si buuxda ayuu ii xukumayay. Anigu waxaan ahaa qof ka duwan sida aan hadda ahay,"" ayay tiri. Markii uu xiriirkooda isu baddalay mid qallafsan oo tacaddi ah, Beth caafimaadka maskaxdeeda ayaa xumaaday. Waxa uu keensaday hub, waxa uuna ku khasbay in ay daawato muuqaallo ay kooxo argagixiso ah soo duubeen oo ku saabsan dad la dilayo, sida ay sheegtay. Markii hore waxa uu ka qariyay magaciisa dhabta ah. Baaritaan ay BBC-du samaysay ayaa lagu ogaaday in ninka oo magaciisa aan u adeegsanayno xarafka ""X"" uu dhowr sano lasoo shaqeeyay hay'adda sirdoonka ee MI5. Mid ka mid ah muuqaalada la helay ayaa laga arkayaa ninka sirdoonka ah oo Beth ku weeraraya baangad. X codkiisa ayaa muuqaalka laga maqlayaa isagoo sheegaya in uu dili doono gabadha, kaddib qolka ayuu ka baxayaa waxa uuna soo laabanayaa isagoo baangad wata - baangaddii ayuuna markaas kaddib madaxa ka saarayaa. Marka ay u sheegto in muuqaalkan la gaarsiin karo booliska, X waxa uu bilaabayaa inuu weeraro isagoo hub gacanta ku haysta. Muuqaalka ayaa go'aya iyadoo qaylinaysa. Waxaa haweeneyda u suurta gashay in ay iska dhiciso, balse saacado kaddib ayuu mar kale ku soo weeraray mindi, isagoo isku dayay in uu qoorta ka jaro. Waxa ay sheegtay in ay gacanta ka qaniintay si ay isga celiso. Booliska ayaa tagay gurigooda marka uu weerarkaas dhacay kaddib, balse baaritaanka BBC-da ayaa muujinaya in tallaabada booliska ay ku dheehnaayeen arrimo aad u culus. X waa la xiray, waxaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu weeraray Beth, maxkamad ayuuna kasoo muuqday. Hase yeeshee markii maxkamadda la geeyay, dacwad oogeyaashu waxay iska laaleen kiiskiisa. Beth waxay sheegtay in X uu kusoo laabtay guriga uuna sii waday tacaddiga uu kula dhaqmayay. Boolisku xog dhammaystiran kama aysan qaadanin Beth mana aysan ka qaadanin muuqaalka muujinaya in weerar loo gaystay. Lamanaahan muddo dheer kuma aysan nagaanin wadajir. X ayaa Beth ka saaray guriga, isagana waxa uu baxay xilli uu ku socday baaritaan. Mar ay boolisku baareen guriga uu weerarka baangadda ka dhacay, waxay heleen qalab muujinaya xagjirnimo - oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in X uu yahay Nazi (dadka aaminsan fikirka yuhuud nacaybka ah). BBC-da ayaa aragtay caddaymo ay hayaan booliska, sida buug uu qoray X oo uu kaga hadlay dilka ""yuhuudda"". Waxa uu sidoo kale wax ka qoray inuu dilo Beth. Saraakiisha booliska maxaliga ah ayaa wacay waaxda la dagaallanka argagixisada, kuwaasoo markii ay goobta tageen la wareegay qalab kala duwan. Baaritaan ku saabsan argagixisannimo ayaa lagu bilaabay X balse waxa uu UK ka tagay isagoo wali baaritaankaas lagu wado. Dhowr isbuuc kaddib bixitaankiisa, Beth waxaa ku dhacay xanuun dhanka dhimirka ah, isbitaal ayaana la dhigay. Intii ay isbitaalka ku jirtay, qaar ka mid ah alaabteedii ay la wareegeen laanta la dagaallanka argagixisada ayaa loo soo celiyay qoyskeeda, waxaana halkaas geeyay nin aan magaciisa iyo aqoonsigiisa sheegin. Qoysku waxay qiyaaseen in uu yahay qof ay isla shaqeeyaan X. Beth iyo qoyskeedaba ma aysan ka war qabin inuu socday baaritaan ku saabsan argagixisannimo. Markii Beth isbitaalka laga soo saaray waxay cabasho u gudbisay booliska maxaliga ah, waxayna waydiisay sababta loo joojiyay kiiska, sababta loo qaatay alaabteeda iyo sababta uu qof aan la aqoonin usoo celiyay. Boolsika ayaa hal sano ku qaatay inay waraysi ka qaadaan haweeneydan, waxayna ugu dambayn u sheegeen in aysan jirin wax la eego maadaama wax walba horay loo baaray. Taasi run ma ahayn. Inta ay socotay cabashada ay Beth u gudbisay booliska, waxaa loo sheegay in boolisku aysan wax xog ah ka haynin la wareegista alaabteeda, balse ay ka war heleen in alaab la qaaday loona celiyay X. Saraakiisha booliska u hadlay waxay sheegeen in aysan iyagu qaadin qalabka, baaritaankodana u adeegsanin, wax macluumaad ahna aysan ka haynin arrintaas"". Taasi run ma aha, maadaama boolisku markii ay walaac dareemeen ay durbadiiba waceen laanta la dagaallanka argagixisada. Sidoo kale run ma aha sheegashada booliska ee ku saabsan in alaabta loo celiyay X - sababtoo ah alaabtaas waxaa loo geeyay hay'adda MI5. BBC-da ayaa heshay xog sheegeysa in X markii uu dalka ka baxay uu tagay dibadda islamarkiina uu ka shaqo billaabay hay'ad sirdoon oo ajnabi ah." https://www.bbc.com/somali/war-61525679 +politics Aqalka Cad oo soo saaray go’aan sigaarka ku saabsan oo muran dhaliyay "Qaddarka maaddada nikotiinka ee ku jira sigaarka lagu iibiyo Maraykanka ayaa lagu wadaa in la dhimo oo laga dhigo mid aad u yar ama aan la qabatimayn. Aqalka Cad ayaa Talaadadii daaha ka rogay qorsheyaasha maamulka madaxweyne Joe Biden ay yihiin kuwo si weyn u dhimi kara dhimashada uu sababo kansarka. Laakiin tallaabooyinkaas ayaa loo badinayaa inay ka hor yimaadaan warshadaha sigaarka ama tubaakada. Sigaar-cabista ayaa weli ah sababta ugu badan ee dhimashada Mareykanka, sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC) sanad kasta 480,000 ayaa u dhimata. Maaddada Nicotine ee sigaarka ku jirta ayaa ah mid qabatin xoog badan leh laguna sheego waxa loogu yeero kiimiko dareen fiican leh oo ku sameysan tubaakada. Bayaan uu soo saaray Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa lagu sheegay in qorshayaasha la soo jeediyay ay xadeyn doonaan heerka nikotiinka ee sigaarka. ""In sigaarka iyo waxyaabaha kale ee tubaakada guban laga dhigo kuwo la yareeyo qabatinkooda ama aan la qabatimin waxay gacan ka geysan doontaa badbaadinta nolosha,"" ayuu yiri Dr Robert M Califf oo ah Guddoomiyaha FDA. Dr Calif ayaa xusay in hoos u dhigista heerarka nikotiinka ay sababi karto in dhallinyaro badan ay qabatimaan cabista sigaarka, waxayna kuwa hadda caba ka caawineysa inay joojiyaan. Sanadka 2020, dad lagu qiyaasay 30.8 milyan oo qof oo qaangaar ah oo ku nool Mareykanka ayaa cabayay sigaarka. Dhaqaatiirta Guud ee Maraykanka ayaa ku qiyaasey in 87% dadka waaweyn ee sigaarka caba in ay billaabaan marka ay da'doodu gaartay 18 jir. Arrintan ayaa timid ka dib markii maamulka Madaxweyne Biden ay bisihii Febraayo dejiyeen tallaabooyin hoos loogu dhigayo heerka dimashada kansarka ugu yaraan 50%, shan iyo labaatanka sano ee soo socota, taas oo qeyb ka ah ololaha loo yaqaanno Moonshot ee kansarka Laakiin khubarada ayaa sheegaya in ay ku qaadan karto ugu yaraan hal sano Maamulka Cunnada iyo Dawooyinka (FDA) ee maamusha sigaarka, in uu soo saaro xeer la soo jeediyay oo ay dib u dhigi karaan mucaaradka, sida laga soo xigtay Washington Post. Waxay ku dartay warshadaha tubaakada, oo ay u badan tahay inay si adag uga soo horjeedaan isbeddelka, ay caqabad ku noqon karaan sharciga ugu dambeeya ee maxkamadda. Kumannaanka kiimiko ee ku jira tubaakada la dhuuqo waxay waxyeeleeyaan, ayna bedelaan hido-sidaha ku jira unugyada sambabka - waxayna si aayar ah isugu badalaan kansar. Cilmi baarista cusub waxay muujineysaa in isbedel wayn uu dhacayo ka dib marka qofka uu joojiyo sigaar cabidda, xitaa haddii kansar uu ku dhaco. Unugyada aadka u badan ee laga soo qaaday dhuunta dadka sigaarka caba waxaa ka muuqday in tubaakada ay si ba'an u waxyeeleysay, iyadoo illaa 10,000 oo unug ay isbedeleen asal ahaan. ""Kuwan waxay u egyihiin waxyaabo qarax yar sameeyay, waxayna sugayaan saameynta xigta oo kansar noqon karta,"" ayey tiri Dr Kate Gowers, oo ka mid ah cilmi baarayaasha jaamacadda UCL. Laakiin, unugyo yar ayaa ka badbaada oo aan isbedelin. Sida saxda ah ee ay uga badbaadeen dhibaatada ka dhalatay sigaarka ma cadda. Balse cilmi baarayaasha waxay sheegayaan in ay u muuqato in ""ay ku dhex nool yihiin meel xiran oo aan la gali karin"". Si kastaba, marka qof uu iska joojiyo sigaarka, unugyada badbaaday ayaa bllaaba in ay kobcaan ka dibna ay bedelaan kuwa xanuunsaday ee sambabka ku jira. Dadka iska daaya sigaarka, illaa 40% boqolkiiba, unugyadooda waxay u ekaanayaan dadka kale ee aan weligood sigaar cabin. ""Anaga gebi ahaanba diyaar uma ahayn natiijada aan helnay,"" Dr Peter Campbell, oo ka tirsan machadka Sanger, ayaa sidaa u sheegay BBC News. Wuxuu intaa ku daray: ""Waxaa jiro kooxo unugyo ah oo isu beheysta daweynta neef-mareenka iyo dhuunta oo dhan. ""Mid ka mid ah arrimaha cajiibka ah ee aan aragnay waxaa lagu arkay bukaannada sigaarka joojiyay, xitaa 40 sano haddii ay cabayeen. Waxay leeyihiin kumannaan unug oo aanba isbedelin oo aan la kulmin sigaarka."" Cilmi Baarayaasha weli waxay qiimeynayaan illaa heerka uu sambabka bogsado. Baaritaanka waxaa diiradda lagu saaray dhuunta, halkii la eegi la haan marinnada yaryar ee loo garanayo alveoli, halkaas oo hawada ay soo marto markaan neefsaneyno, waxayna ka soo qaadaa sambabada. Tusaale ahaan, illaa 47,000 oo qof oo ku nool UK ayaa qaba kansarka sambabada, illaa rubuc ka mid ah waxay ka qaadeen sigaarka. Cilmi baaris ayaa horey u muujisay in ay yaraaneyso halista kansarka sambabka, haddii qofka uu iska daayo cabidda sigaarka. Fikradda waxay ahayd in taas ay fududahay sababtoo ah isbedelka unugyada sambabka ayaa halkaas ku dhammanaya. Dr Rachel Orritt, oo ka tirsan xarunta cilmi baarista kansarka ee UK waxay tiri: ""Waa fikrad dhiiragelin leh in dadka joojiyay sigaarka ay fursado badan oo cudurro ay kaga badbaadaan helayaan - iyagoo ay ka yaraaneyso dhibaatada ka dhalata tubaakada ee sambabada ay u geysato. Sidoo kale waxay fursad u tahay in sambabka uu isu dheeli tiro unugyada xanuunsan iyo kuwa caafimaadka qaba""." https://www.bbc.com/somali/war-61905873 +politics "Pakistan: ""Ninkii iga dilay ninkeyga ayaan guursaday si aan uga aargoosto""" """Waxaan go'aansaday inaan ka aar guto dhimashadii ninkeyga anigoo xiriir saaxiibtinnimo la sameynaya ninkii dilay, kaddibna guursaday ugu dambeyntiina ka aar goostay."" Haweeney daggan degmada Bajaur ee dalka Pakistan ayay xireen booliska, maxkamadayn kaddibna waxaa loo diray xabsiga Chakdara. Gabadhan waxay sheegtay inay muddo saddex sano ah isku dayeysay sidii ay ugu aar gudi lahayd ninkeeda oo la dilay, qorsheyaal kala duwanna ay u samaysay arrintaas. Wilayat Khan, oo ka tirsan dambi baadheyaasha saldhigga booliska degmada Bajaur, ayaa BBC-da u sheegay in kiiskan uu ahaa mid aad u adag balse uu markii dambe ku guulaystay. Ninka qabi jiray haweeneyda eedeysanaha ah, oo magaciisa lagu sheegay Shah Zameen, wuxuu dhintay saddex sano ka hor, laakiin ma cadda waxa sababay geeridiisa - in la dlay ama inuu si dabiici ah u dhintay toona. Laakiin xaaskiisa waxay sheegtay inay heshay xog ay siiyeen shakhsiyaad oo ku saabsan in ninkeeda lagu dilay cirbad sumaysan, falkaasna uu ka dambeeyay Gulista oo saaxiib dhow la ahaan jiray ninkeeda. Hase yeeshee ma jirin wax war ah oo booliska looga sheegay geerida ninkaas. Saraakiisha booliska ayaa sheegay in uusan jirin saldhig xilligaas la geeyay macluumaad la xiriira in ninka dhimashadiisa uu qof kale ka dambeeyay, taasoo horseedi lahayd in la baaro ciddii dishay Shah Zameen. Sida laga soo xigtay booliska, markii uu dhacay dilka ninka lagu magacaabayay Gulistan waxay ciidanka amniga maqleen dhawaaqa rasaas islamarkiina waxay askar u direen inay soo ogaadaan waxa dhacay. Wilayat Khan ayaa hoggaaminayay askartii u baxday inay soo eegaan dhacdada. ""Markii aan tagay goobta, waxaa yaallay meyd dhiig badan ku dhex jiray, hal xabbad waxay uga dhacday madaxa mid kalena dhinaca midig. Xilligaas haweeneyda la tuhunsanaha ah waxay fadhisay meydka agtiisa. Booliska ayaa isku hareereeyay gudaha iyo bannaanka guriga,"" ayuu yidhi Wilayat Khan. ""Dadkii ayaan dhinac u leexinnay waxaana billownay baadhitaan iyo inaan caddeymaha ka aruurinno goobta."" Sida ay booliska ku warrameen, haweeneydan waxay sheegtay in ninkeedii hore ee la oran jiray Shah Zameen uu ahaa qaxootiga ka yimid Afganistan, wuxuuna ku noolaa gobolka Kunar. Ninkeeda wuxuu ka shaqeyn jiray Peshawar waxayna ku noolaayeen nolol farxad leh iyaga iyo gabadhooda. ""Ninkeyga wuxuu saaxib dhow la ahaa Gulistan,"" ayay haweeneyda ku tidhi warbixintii ay siisay booliska. Waxay sheegtay in ninkeeda uu lacagaha u dhiiban jiray saaxiibkiis. Maalin maalmaha ka mid ah, ninkeeda ayaa yimid guriga isagoo sheegaya inuusan caafimaadkiisu fiicneyn, Gulistan ayuuna ka codsaday lacag, laakiin Gulistan wuxuu u sheegay inuusan heynin lacag, sida ay sharraxday. Waxay sidoo kale sheegtay in uu Gulistan guriga ugu keenay dawooyin ay ku jiraan irbado iyo kaniiniyaal, mid uu siiyay tan kalena kula taliyay inuu gor dambe isticmaalo. ""Markii uu cirbadda qaatay kaddib, ninkeyga xaaladdiisu way sii xumaatay, dhulka ayuuna ku dhacay. Dad ayaa ula cararay isbitaalka, laakiin wuu geeriyooday,"" ayay ku tidhi booliska. Haweeneydan waxay booliska u sheegtay in ay dadkii kale weydiisay sida uu ninkeeda ku dhintay, laakiin ay u sheegeen in saaxiibkiis Gulistan uu iyada lafteeda sun ku duri doono maadaama ninkeeda xaaladdiisa ay isbaddashay cirbadaha kaddib. Markii ay heshay xogtaas ayay go'aan ku qaadatay inay u aar guddo ninkeeda. Sida ay booliska sheegeen, haweeneydan waxay muddo lix bilood ah isku dayeysay inay aar goosato, laakiin ay ku guul darraysatay, kaddibna ay ku fikirtay inay qorshe kale raadiso. Qorshaha labaad wuxuu ahaa inay u dhawaato Gulistan, oo ay la saaxiibto si ay u waxyeelleyso. Inkastoo Gulistan Khan uu lahaa xaas iyo hal wiil, haweeneydan waxay go'aansatay inay xiriir jacayl la sameyso, ugu dambeyntiina way is guursadeen. Waxay booliska u sheegtay in ay Gulistan kusoo xero galisay iyadoo u sheegeysa inay heysato lacag, ayna doonayso inay gaari iibsadaan oo ay nolol farxad leh galaan. Xilli lagu jiray ciid ayuu arooskooda dhacay, waxayna isla dageen guriga walaasheed. Laakiin maadaama ay ujeeddo kale lahayd, gurigaas wuu anfici waayay. Markii dambe waxay ninkeeda cusub ka dhaadhicisay inay isla dagaan guri ku yaalla deegaanka Inayat Kali. Maadaama ay halkaas ku noolaayeen kaligood, mararka qaarna iyada kaligeed looga tagayay guriga, waxaa lagama maarmaan noqotay inay qori (bastoolad) soo sharciyeystaan, si ay isaga difaacaan ciddii soo weerarta. Waxay bastoolad kusoo iibsatay lacag dhan $180. Saddex sano ayay ku qaadatay qorshaynta dilka ninka ay aaminsaneyd inuu ka dilay ninkeeda, ugu dambeyntiina way ku guulaysatay. Booliska waxay sheegeen in haweeneydan ay hadda ku jirto xabsi kaddib markii maxkamadda la geeyay." https://www.bbc.com/somali/war-57890354 +politics Mareykanka: 6 arrimood oo la yaab leh oo laga ogaaday wiilkii toogashada ku dilay 21 qof "Ninkii hubaysnaa ee 18 jir ahaa oo la sheegay in uu toogasho ku dilay 19 carruur ah oo iskuullay ah iyo laba qof oo waaweyn oo ku sugnaa dugsi hoose oo ku yaalla Texas ayaa si qarsoodi ah farriin ugu diray qof kale isga oo yiri ""Waan ku dhowahay"" saacado ka hor inta uusan rasaas ku furin carruurta. Haddaba waxaa soo baxaya faahfaahinno ku saabsan shakhsiyadda wiilkan dhallinyarada ahaa ee iskuulka weerarka ku qaaday. Waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa waxa ilaa hadda laga ogyahay wiilka oo lagu magacaabi jiray Salvador Ramos. Cinwaan la rumeysan yahay inuu barta Instagram-ka ku lahaa Ramos waxaa ku jiray sawirro hub iyo sawirro uu isaga qaaday. Cinwaankan oo magaca ku qoran uu yahay ""salv8dor_"", ayaa iminka hawada laga saaray kaddib markii la ogaaday inuu lahaa qofka looga shakisan yahay inuu toogashada geystay. Sawirrada laga helay bartii uu Instagram ku lahaa ayaa muujinaya qaar uu isaga iska qaaday iyo qoryaha darandooriga u dhaca oo meel ku tiirsan. Gabadh ku soo gasha barta Instagram magaca @epnupues oo uu sawirradan ku soo taag-gareeyay ayaa sheegtay in aysan ogeyn ilaa iyo iminka sawirrada qoryaha iyo waxyaabaha kale ee uu magaceeda ku xusay ama ku taag-gareeyay. Ramos ayaa qorigan oo ah nooca darandooriga u dhaca iibsaday 17-kii bishan May wax yar uun kaddib markii uu u dabaaldagay sanadguuradii 18-aad ee ka soo wareegatay dhalashadiisa. Sida uu qoray wargeyska New York Times, qoriga ayaa waxaa uu ka iibsaday Oasis Outback, oo ku yaalla waddada Uvalde. Ramos waxa uu sidoo kale iibsaday 375 xabbo oo rasaas ah sida uu sheegay sanatarka laga soo doortay gobolka Texas, John Whitmire. Markii uu gudaha u galay iskuulka ayaa waxa uu ardeyda uu dilay sida la sheegay isugu geeyay hal fasal isaga oo kaddibna toogtay 2 macallin. Wiilkan 18 jirka ahaa ayaa la sheegay in muran uu dhexmaray isaga iyo ayeeydii ka hor toogashada. Waxay isaga iyo ayeeydii ku murmeen in uu ku guuldarreystay in uu ka qalinjabiyo dugsiga sare. Mid ka mid ah wargeysyada ayaa ka soo xigtay Eduardo Trinidad, oo daris la ah, in Ramos uu xabbad ku dhuftay ayeeydii isla markaana inta uu gaariga galay uu si xawaaro ah u kaxeeyay. Markii dambe oo lala xiriiray ayuu Eduardo sheegay in uusan toos u maqlayn muranka labada dhinac. Ramos ayeeydii ayaa la sheegay in iminka ay xaalad halis ah ku sugan tahay. Ronaldo Reyes, oo 72 jir ah, isla markaana awoowe u ah Ramos ayaa u sheegay warbaahinta ABC News in uusan ka warqabin in wiilka uu awoowga u yahay uu soo iibsaday qori iyo in guriga uu u yaallay intaba. ""Ma aanan ka warqabin in uu hub haystay, haddii aan ogaan lahaa waan soo sheegi lahaa,"" ayuu yiri Reyes. Waxaa uu intaa ku daray in maalinkii uu wiilkan dilka geysanayay aysan muuqan wax calaamad ah oo muujinayay in uu qorshaynayo falkaasi. Wiilkan dhallinyarada ahaa marka taariikhdiisa dib loo eego ma lahayn fal-dambiyeed uu horey u galay ama xanuun dhanka dhimirka ah, sida uu Arbacadii sheegay guddoomiyaha gobolka Texas, Greg Abbott . ""Ninka hubaysnaa waxaa ay da'diisu ahayd 18 jir, sida la sheegay waxaa uu dugsiga sare ka tagay isaga oo aan dhameyn,"" ayuu yiri Abbott oo warbaahinta la hadlay. ""Sida la sheegay ma lahayn sooyaal dhanka dambiyada ah oo ilaa iyo iminka la ogyahay,"" ayuu intaa ku daray. Santos Valdez Jr oo ay saaxiibbo isku dhow ahaayeen Ramos ayaa sheegay in ay ahaayeen saaxiibbo aad isugu dhow, ayna wada ciyaari jireen kubbadda kolayga, balse ay markii dambe dabeecaddiisa isbeddeshay oo ay sii xumaatay, sida uu ku warramay wargeyska The Washington Post . Waxaa uu intaa ku daray in mar uu Ramos tusay nabar uga yaallay wejiga uuna u sheegay in ay bisad ka xagatay. ""Markii dambe waxaa uu ii sheegay runta in wajiga ay mindi ka jeexday,"" ayuu wargeyska u sheegay Valdez ." https://www.bbc.com/somali/war-61609287 +politics Nin keli ay hooyadiis bixisay u shaqayn weysay oo hooyo kale ay keli siiyay "Markii Ninon Ferguson ay kelideeda ugu deeqday nin shaqo wadaag la ah, waxaa la moodayay inay kaftamayso. Stuart Middleton ayaa horay waxaa keli ugu deeqday hooyadii, balse sanado kadib ayay u shaqeyn wayday. Ninon ayaa maalin iyagoo is xaal waraysanaya u sheegtay inay diyaar u tahay inay u bixiso kelideeda, balse filan waa ayay ku noqotay Stuart. Hase yeeshee hooyadan 36 jirka ah ayaa go'aansatay inay badbaadiso noolasha ninkan ay wada shaqeeyaan. Waxa ay BBC Scotland u sheegtay inay doonaysay inay wax ""wanaagsan"" samayso inta ay nooshahay. ""Dadku waxay i weydiiyaan maxaad kelidaada ugu deeqday, jawaabtuna waa in Stuart uu dhalay laba wiil oo da' yar oo u baahan,"" ayay tiri. ""Waxaa ii jooga wiil la da' ah canugiisa weyn, marka waxaan dareemay dhibaatada ay leedahay in wiilashaas ay aabo la'aan ku dhacdo."" Qoyskeeda oo ku nool dalka Faransiiska ayaa ka xumaaday in gabadhooda ay go'aankaas qaadatay, balse markii way aqbaleen. ""Qoyskeygu way ka xumaadeen go'aanka aan qaatay iyagoo ka walaacsan saameynta caafimaad ee ay igu keeni karto kelida aan bixiyay,"" ayay tiri Ninon. ""Waxa ay moodayeen in dadka ehelka oo keliya ay xubnaha jirka isugu deeqaan oo aanay ku jirin asxaabta shaqada. Hadda se maadaama aan caafimaaday way ku faraxsan yihiin go'aanka aan qaatay."" ""Waan ku faraxsanahay in Stuart oo ah qof wanaagsan aan keli ugu deeqay."" Ninon, oo xisaabaadka u qaabilsan shirkadda tamarta ee Intergen ayaa wiilkeeda Zander oo 8 jir ah kula nool magaalada Edinburgh. Go'aankeeda lama aysan waadin dadka intooda badan ilaa kadib markii ay qalliinka gashay ee kelida laga saaray bishii November 2017. ""Ma dooneyn in dadka ay walaac igu abuuraan oo aan ka laabto qorshahaas. Waan hubay inuu ahaa go'aan sax ah, marka cidna uma sheegin,"" ayay tiri. Ninon ayaa lagu sameeyay baaritaanno caafimaad si loo xaqiijiyo in ay kelida ugu deeqi karto Stuart. Qalliinka kadib, waxaa dhowr todobaad xanuunayay dhabarka, balse hadda way fiican tahay, waxaana ay ku nooshahay hal keli. Waxay sheegtay inay dadka kale ugu baaqayso inay ku deeqaan keli. Shirkadda ay u shaqeyso ee Intergen ayaa ku abaalmarisay ""ficilkeeda naxariista iyo geesinnimada leh"". David Bogie, oo ah madaxa maaliyadda ee shirkaddaas ayaa sheegay in waxa ay Ninon samaysan aan lagu tilmaami karin saaxiibtinno caadi ah, balse ay tahay heer aan la gaari karin. ""Waa arrin caqliga ka weyn in qof uu saaxiibkii shaqada ugu deeqo qeyb kamid ah jirkiisa. Waa arrin cajiib ah. Aad baan ula yaabnay marka aan maqalnay tallaabada ay qaaday Ninon, balse way na dhiiragelisay,"" ayuu yiri Bogie. Stuart oo 46 jir ah ayaa sheegay inuu yahay nin nasiib badan, isla markaana deeqsinimada Ninon ay tahay mid aan la qiyaasi karin. ""Ma filayo inay jiraan dad badan oo ficilkaas samayn lahaa,"" ayuu yiri. Nin kelidiisa ugu deeqay qof uusan aqoonin Dr Jalaaluddiin: ""Waxaan jeclaaday in walaalkey aan ku badbaadiyo kelideyda"" Guud ahaan UK, in ka badan 100 qof ayaa sanadkiiba keli ugu deeqa dad aysan aqoon. ""Qalliinka ayaa dhibaato u keeni kara qofka bixinaya kelida iyo kan loo gelinayo, balse haddii uu sida la rabo u dhaco, waxa uu noolal wanaagsan u horseedi karaa bukaanka,"" ayay tiri Professor Lorna Marson oo ka tirsan hay'adda Kidney Research UK." https://www.bbc.com/somali/war-61060595 +politics Biden oo ku horreeya gobol guusha madaxtinnimada siin kara Musharrax Joe Biden ayaa ku hormaray codadka laga tiriyay gobolka Pennsylvania, isagoo in ka badan shan kun oo cod ku hogaaminaya Donald Trump. Waa gobol muhiim u ah loolanka madaxtinnimada Maraykanka ee ay ku tartamayaan Biden iyo Trump. Haddii uu Biden ku guulaysto Pennsylvania, waxaa uu ku guulaysan doonaa tartanka isagoo noqon doona madaxweynaha la doortay. Gobolkaas ayaa leh 20 cod oo ah ergada doorashada, iyadoo inta la xaqiijiyay uu Biden heysto 253 codadkaas ah, uuna u baahan yahay 17 cod oo keliya. Trump ayaa isla maanta lumiyay codadkii uu ku hogaaminayay gobolka kale ee muhiimka ah ee Georgia. Natiijada rasmiga ah ayaan la hubin xilliga ay soo bixi doonto. Halka la kala marayo: Biden ayaa u baahan inuu xaqiijiyo guusha Pennsylvania, ama Georgia, Nevada iyo Arizona si uu ugu guulaysto tartanka madaxtinnimada. https://www.bbc.com/somali/war-54843102 +politics Hakan Ayik: Ninka xuduudunta u ahaa xeeladda FBI-da ee basaasidda burcadda daroogada "Ciidammada ammanka ee dalal badan ayaa xabsiga u taxaabay ku dhawaad 800 oo qof oo looga shakisanayhay kadib markii kumannaan kun oo qof lagu khiyaanay adeeg talefon oo ay bollisku farimahooda ku arki karaan iyagoon daremaynin. Booliska Australia ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in ninka ka dambeyay in uu dadka u gudbiyo adeegan fariimaha lagu diro ee FBI in lagu magacaabo Hakan Ayik. waxaa la amminsanyahay in Mr Ayik uu ka shaqeeysto daroogada , saraakisha waxay sheegan in ninkan uu saameyn badan leeyahay saas awgeedna ay saraakiisha baaritannada sameynayay ay ula wadageen markaas kadibna uu barnaamijkan adeega talefoonada la wadaagay shabakadaha kale ee ay ku bahoobeen dembilayasha la qabqabtay. ""Waxaa uu ahaa qof si welyn looga yaqaano Hay'adaha baritannada,"" waxaa sidaasi jaraadika Australian Telegraph uu kasoo xigtay mid kamid ah saraakiisha baaritanka sameynayay."" Waxaa la amminsanyahay in ninkan uu hadda ku noolyahay Turkiga waxayna booliska ugu baaqeen in uu banaanka iskeeno si badqabkiisa loo hubiyo. ""Inaga oo og halista uu wajahayo waxaa u roon in uu isasoo dhibo,"" Madaxa Booliska Australia Reece Kershaw ,ayaa sidaasi sheegay . Waxaa kale oo loo yaqaana Joseph Hakan Ayik, da'diisu waa 42 sano jir ay dhaleen qoys muhaajiriin Turki ah waxaana la sheegaa in uu ku soo barbaaray xaafad ku taalla Sydney. Warbaahinta Australia ayaa ugu magac daray ""Burcadka Facebook "", Mr Ayik ayaa warbaahinta ka soo muuqday tobban sano ka hor kadib markii uu baraha bulshada ku soo bandhigay noloshiisa isagoo lagu tuhunsana in uu kamid yahay tiro burcad ah iyo shabakado daroogada iibiyo Waxaa uu ku noola dalka dibediisa kadib markii la xaqiijiyay in uu qeyb ka yahay howlgal daroogada Heroin lagu kala safriyo. Waxaa uu muddo kooban ku xirnaa Qubrus balse waa uu baxsaday kadib markii dhamaanad lagu soo sii daayay intaasi kadib waxaa uu kamid ahaa tuugada uga waaweyn ee ku jira liiska dowladda Australia. Muuqalo ay arkeen warbaahinta Australia xilligaas ayaa waxaa la arkay isagoo wato gaari qiimahisu ahaa $300,000, wuxuu kaloo sitay saacad dhayman ah iyo in uu dhageysanayay muusig. Booliska ayaa sheegay in Mr Ayik uu weli sii watay howlgaladiisa burcadnimada ah iyadoo qaar kamid ah asxaabtiisa dhawaan la soo qabqabtay sanadihii ugu dambeyay. Isbuucan warbaahinta Australia ayaa soo bandhigtay eedeymo sheegaya in uu qeyb ka ahaa urur falal dembiyeedyo geysto oo lagu magacaabo ""Aussie Cartel"" - kuwaas oo dalka Australia geeya daroogo qiimaheedu gaarayo $1.5bn oo doolar ,sanadkiiba. Baaritan si wada jir ah ay u sameeyeen barnaamijka debagalka ee 60 Minutes Australia iyo the Sydney Morning Herald ayaa ugu deba tagey dalka Turkiga iyago sheegay in weli nolal raaxo badan uu ku nool yahay iyado hantidiisana uu maalgeshi balaaran oo dhismo guryo uu geliyay. Waxay sheegan in uu magaca iska bedelay oo uu sito magaca Hakan Reis, isagoo iska dhiibay dhalashada dalka Australia, waxaa uuna guursaday haweeney kasoo jeeda dalka Dutch oo hadda u hayso labo carruur. Booliska ayaa Talaadadii la soo dhaafay fuliyay howlagal ballaaran taas oo lagu soo bandhigay dembilayaasha qaybta ka ah shabakadaha daroogada caalamka. Waxaa qayb ka ahaa hay'adaha ammniga ee daafaha caalamka iyadoo kumanaan kun oo qofna laga soo qabqabtay dhamaan wadammada iska kaashaday howlagaladan iyo inay waadagan xogta. Saraakisha Australia ayaa sheegay in Mr Ayik uu qayb ka ahaa howlgalkan, sababto ah waxaa la siiyay talefon adeeg gaar ah leh oo lagu magacaabo ANOM app, waxaa uuna la waadagay shabakadaha dembiyada gesyto kuwaas oo soo degsaday, ku dhawaad 12kun mobile ayaana soo degsaday. Saraakisha ayaa sheegay inay aqrin jireen maclumaadka ay isu diri jireen dadka qorsheyanya dilalka, iyo sidii daroogada dalalka lagusoo gelin jiray. Mr Ayik oo dembiyadan badankooda ku eedeysan ayaa weli gacanta lagu dhigin balse boolisku waxay shegean in dadka kale ee la qabtay ay ogaan doonan in isaga uu ka dambeyay soo qabashadooda." https://www.bbc.com/somali/war-57433235 +politics Haweeney u dhalatay South Afrika oo 10 mataane ah ku dhashay Pretoria - Xog "Haweeney u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa la sheegayaa in ay dhashay 10 canug oo mataane ah, taas waxay ka dhigeysaa in ay jebisay rikoorkii horey ugu yaallay caalamka. Gosiame Thamara Sithole, seygeeda wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay arrintan, ayna markii hore u haysteen in 8 canug ay caloosha ku sido. ""Waa 7 wiil iyo 3 gabdhood. Aad ayaan u faraxsanahay. Shucuurteyda laga qiyaasi karo. Hadal badanna ma karo,"" ayuu yiri Teboho Tsotetsi. Wuxuu warbaahinta kula hadlay Pretoria ka dib markii carruurta ay u dhasheen. Qaar ka mid ah Saraakiisha caafimaadka ee Koonfur Afrika ayaa BBC u xaqiijiyay arrintan, balse masuul sare oo ka tirsan dowladda ayaa tilmaamay in aysan weli arkin carruurta. Maamulka haya rikoorka Caalamka ee Guinness World Records, wuxuu BBC u sheegay in ay arrintan mataanaha Sithole ay weli baarayaan. Haweeney u dhalatay Mareykan oo 2009-kii halmar dhashay siddeed canug ayaa hadda haysata rikoorka caalamka ka dib markii carruurteeda oo dhan ay badbaadeen. Bishii la soo dhaafay, gabadh 25 sano jir ah oo u dhalatay Maali, Xaliima Ciisa, ayaa dhashay sagaal canug, oo la sheegay in xaaladdooda caafimaad ay weli wanaagsan tahay. Iyada iyo carruurteeda waxay ku sugan yihiin cisbitaal ku yaalla Morocco. Aalaaba carruurta badan ee mataanaha ah ee halmar wada dhasha way dhintaan, sida ay ku warrameyso weriyaha arrimaha caafimaadka ee BBC Afrika, Rhoda Odhiambo. Mataane ka badan seddax waa arrin aad ugu yar caalamka, waxaana badanaa dhibaato noqota umusha iyo caafimaadka carruurta ee dhowrka bilood ee ugu horreeya. Balse, mataanaha ku dhashay South Afrika, waxaa la sheegayaa in si dabiici ah ay u soo bexeen. Ms Sithole, oo 37 sano jir ah, waxay horey u dhashay mataane laba canug ah oo hadda lix sano jirro ah. Waxaa la sheegayaa in hadda xaaladdeeda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay. Waxay carruurtan uurka ku siday 29 isbuuc, waxayna Isniintii ku dhashay cisbitaal ku yaalla Pretoria. Bil ka hor, mar ay warbaahinta Pretoria la hadashay Ms Sithole waxay sheegtay in uurkeeda ""ay dhibaato badan kala kulantay bilowgii"" ayna aad ugu duceysatay in si nabad ah ay u dhasho, ayna habeenno badan hurdo la'aan noqotay, iyadoo ka walwaleysay waxa ku dhici kara. ""Sidey caloosha u wada qaadi kartaa? Ma badbaadi doonaan?"" ayey is weydiisay. Balse dhakhaatiirta waxay u xaqiijiyeen in caloosheeda ay si wanaagsan u fideysay. Markii loo maleynayay in ay 8 canug siddo, waxay Sithole ka xanuunsaneysay lug, waxayna dhakhaatiirta ogaadeen in labo ka mid ah carruurta ay ku jireen dhinac khaldan. ""Taas waa la xalliyay, ka dibna waan caafimaaday. Waan sugi la ahay in aan arko carruurteyda oo koreen,"" ayey u sheegtay wargeys ka soo baxa Pretoria. Seygeeda wuxuu sheegay in uu dayaxa marayo uuna dareemay sida ""in uu yahay qof uu alle doortay. Waa mucjiso aan ku mahdinayo"". Horey, laba goor oo keli ah ayey mataane 10 ah dunida ugu dhasheen sida la diiwaangeliyay. Dhammaantoon ma aysan badbaadin, waxayna wada dhinteen isbuucyo gudahooda." https://www.bbc.com/somali/war-57417232 +politics Boris Johnson muxuu ka aaminsan yahay qaaradda Afrika? "Boris Johnson, ka dib marka uu la wareego xilka Ra'iisulwasaaraha, wuxuu wajahayaa caqabado Theresa May ku kallifay in ay iska casisho jagada. Waxaa caqabadahaas ka mid ah in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub. Heshiisyadii hore ee May waxaa diiday Baarlamaanka. Balse taasi ka dib muxuu yahay qorshihiisa ku wajahan Afrika? Waxaa suuragal ah in hadallo aan wanaagsaneyn ay ku jiraan wixii uu horey uga sheegay Afrika. Warbixin uu qray sanadkii 2002, ka dib booqasho uu ku tegay Uganda, nuxurkeeda waxaa ka mid ahaa inuu yiri: ""Dhibaatada haysata Afrika ma aha inaan mar xukumi jirnay, ee waa in aynaan hadda gacanta inoogu jirin"". Wuxuu inta ku daray in ""nidaamkii gumaystaha uu soo afjaray adoonsiga uuna keenay falashadda beeraha, halka dedaallada caawinta ay keenaan gabaabis dhanka siyaasadda ah. Isla sannadkaasi ayaa warbixin uu ku qoray wageyska Daily Telegraph, waxa uu ku sheegay in dalalka Barwaaqa-Sooranka ah ay boqoradda u hibeyn jireen ""carruur madow oo sacabka iyo calan ruxidda ku wanaagsan"". Sanadkii 2016 wuxuu wargeyska the Sun ku qoray in madaxweyne Barrack Obama uu ""naceyb soojireen ah u qabo Boqortooyadda Britain"" maadaama uu ""Asal ahaan ka soo jeedo Kenya"". In kastoo aanu ka xishoon hadalladaasi adag, haddana marka uu xilka la wareego, wuxuu xoogga saari doona ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, taasoo qeyb ay ka tahay inuu heshiisyo ganacsi la saxiixdo dalalka Afrika. Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalalka Afrika ayaa durbadiiba soo dhaweeyay xilka loo dhiibay Boris Johnson. Madaxda qaaradda Afrika ee ka hadlay doorashadiisa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Ghana iyo kan Zimbabwe oo sheegay inuu doonayo ""xiriir aad u dhaw ay yeeshaan labada dal"". Sidoo kale madaxdii u hambalyeesay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bartiisaTwiter-ka ku sheegay in uu rajeynayo inay ka wada shaqeeyaan danaha labada dal." https://www.bbc.com/somali/war-49095968 +politics War ka soo kordhay dagaalka Tigreega "Taliska Ciidamada Fallaagada Tigreeda ee TPLF ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeeyay in weerar ay u adeegsadeen taangiyo iyo madaafiic ay ciidamadooda ku soo qaadeen. War-saxaafadeed ka soo baxay taliska fallaagada ayaa lagu sheegay weerarka in weerarka uu 15-kii bishan ka dhacay aagga Dedebiit. Weerarka oo saacad socday ayay xuseen inay ciidamada Itoobiya u adeegsadeen hubka culus. Balse, dowladda Itoobiya ayaan wax jawaab ah ka bixin eedda ay u soo jeedisay fallaagada TPLF. Ilaa iyo hadda dhanka dowladda Itoobiya wax war ah oo ku saabsan eedda fallaagada TPLF ay u soo jeedisay ciidamadooda kama soo bixin. BBC-da oo isku dayday inay jawaab ka hesho laamaha xukuumadda Addis Ababa ee ay khuseyso uma suuragelin. Dagaalka Gobolka Tigreega ayaa istaagay kaddib markii labada dhinac ay bishii Maarso gaareen heshiis xabbad-joojin ah oo looga gol leeyahay howlaha bani'aadannimada. War-saxaafadeedka taliska militariga TPLF ayaa lagu sheegay inuu wali dhanka ciidamadooda ka jiro rabitaan nabadeed, laakiin weerarka lagu soo qaaday uu ku qasbi doono “inay xoog ku xoreeyaan Galbeedka Tigray si ay dib ugu soo celiyaan dadkii halkaas ka barakacay”. ""Fallaagadu waxay sheegtay in aysan marnaba aqbaleyn shirqoolka ciidan iyo midka siyaasadeed ee uu wado hoggaanka Itoobiya ee ay ku doonayaan Galbeedka Tigraay in uu ka dhigo dhul aan deegaanka Tigraay hoos tagin,"" ayaa lagu yiri war-saxafadeedka ka soo baxay taliska ciidamada Fallaagada TPLF. Si loo joojiyo dagaalka oo waqooyiga Itoobiya ka socda ku dhawaad labaatan bil, waxaa socda dadaallo uu ay in muddo ahba wadeen Midowga Afrika, Mareykanka iyo waddamo kale. Dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Itoobiya oo aan miradhal noqon haddana wixii ka dambeeyay marki la gaaray heshiis xabbad-joojin ah oo loogu talagalay inuu fududeeyo gargaar bani'aadannimo in la gaarsiiyo deegaanka Tigraay waxaa muuqda yididiillo wanaagsan. Hase yeeshee, TPLF wadahadalka nabadeed waxay ku xirtay in deegaanka Tigraay loo fasaxo dhammaan adeegyada aasaasiga ah ee istaagay inti uu dagaalku socday. Adeegyadaas oo isugu jira isgaarsiinta, bankiyada, gaadiidka cirka iyo dhulka, korontada iyo biyaha. Xukuumadda Addis Ababa oo aan weli ka jawaabin codsiga TPLF ayaa ku adkeysaneysa inaysan marnaba aqbaleyn wax shuruud ah oo lagu xiro wadahadal labada dhinac u billowda. Guddiga wadaxaajoodka uga qaybgalaya dowladda Itoobiyana wuxuu sheegay si adeegyada aasaasiga ah oo dhan loogu fasaxo deegaanka Tigraay in ay lagama maarmaan tahay inay labada dhinac muddo gaaban ku gaaraan xabbad-joojin dhammeystiran. “Warka ka soo yeeray guddiga wadahadallada nabadeed ku matalaya dowladda Itoobiya waa mid aan waxba ka jirin oo beesha caalamka lagu marin-habaabinayo,” ayuu yiri Getachew Reda oo ka mid ah xubnha sare ee fallaagada TPLF. Midowga Afrikana wuxuu shaaciyay wadahadallada nabadeed ee u dhaxeeya Addis Ababa iyo TPLF in si degdeg ah loo billaabayo, halka lagu qabanayo iyo xilliga la qabanayana uu ka shaqeynayo. Dowladda dhexe ee Itoobiya iyo Fallaagada Tigraay ee TPLF waxay horay u sheegeen inay wadahadal diyaar u yihiin iyaga oo shaaciyay guddiyadii uga qayb gali lahaa wadahadallada nabadeed ee la filayo inuu labada dhinac u billowdo, hormuudkana uu ka yahay Midowga Afrika." https://www.bbc.com/somali/articles/c0d1yjdlx20o +politics Booliska Maraykanka oo soo furtay 150 caruur ah. "Booliska gobolka Tennessee ayaa baadhitaan bilo socday ka dib soo helay 150 caruur ah oo la la'aa. Caruurtan oo da'doodu u dhaxayso 3 ilaa 17 jir ayaa lagu soo helay saddex ""hawl gal oo laba todobaad"" ka socday gobolkaas oo dhan. Shan ka mid ah caruurtaas ayaa la tuhunsanyahay inla tahriibinayey sida ay sheegeen dembi baadheyaashu, midna waxa loo haystay af-duub. Hawl galkan caruurta lagu soo furtay ayaa ahaa kii ugu ballaadhnaa ee dhawaanahan gobolkaas laga fuliyo. Xarunta baarlamaanka Maraykanka oo wajahaysa cabsi horleh ""Aad ayaan ugu faraxsannahay in iskuul loogu magac daray gabadheenna Hodan Naaleeye"" Saraakiishu waxay sheegeen in dad badan arintaa loo xidhxidhay baadhitaankaa ka dib. ""Waxaan qabaa in hawlgalkan lagu badbaadiyey nolosha 150 caruura naftooda oo haatan ay cagta saarayaan dhabbe ay ku gaadhayaan mustaqbalka ilmo kastaa u qalmo"" ayuu yidhi salkaan ka tirsan booliska gobolkaas oo la yidhaa Tyreece Miller. Hawl galkan waxa la bilaabay dabayaaqadii 2020 ka dib markii la ogaaday in 240 caruur ah la la'yahay, waxaanay ahayd arintaasi tii keentay in hawl gal wada jira ay bilaabaan laamaha amaanka ee gobolka Tennessee iyo waaxda daryeelka dhallaanku. Dedaalkan lagu soo daynayo caruurtani wuxuu bilaabmay bishii Jeeniweri waxaan muddo laba bilood gudahood ah lagu soo helay 150 caruur ah. Siyaabaha loo soo helay caruurtan ayaa kala duwan sida ay saraakiishu sheegeen. Waxaana ka mid ahaa in caruurta qaarkood laga helay guryo lagaga tagey, iyo kuwo kale oo qoysas aan kuwoodii ahayn la noolaa, halka kuwo kalena dhibaato iyo cabiidsi lagu hayey. Tim Burchett oo ah xildhibaan ku jirta Congress-ka oo laga soo doorto Tennessee ayaa hawshaa ku tilmaamay ""mucjiso"". Maxay dumarka dhalmada laga xiray magdhow u dalbanayaan 25 sano ka dib? Maxkamadda ICC oo baadhaysa dembiyada ka dhacay dhulka Falastiiniyiinta Sannadkii 2020 caruurta la soo furtay waxa wadartoodu tahay 387 dhalaan ah, waxaana gacan ka gaystay hawlgalkaa lagu soo daayey booliska heer federaal. Dhawr gobol oo ay ka mid yihiin Ohio, Virginia, Indiana iyo Georgia ayaa sidoo kale bilaabay hawl gallo noocan oo kale ah oo lagu baadi goobayo caruur la la'yahay. Waxa la sii wadi doonaa dedeaalka lagu baadi goobayo 90 ka caruura ee weli aan la helin ee gobolka Tennessee, waxaana sidaa sheegay af-hayeenka waaxda dembi baadhista ee gobolkaas, Josh DeVine." https://www.bbc.com/somali/56287924 +politics Kenya oo ka hadashay aqoonsiga Somaliland "Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta aqoonsiga Somaliland, kaddib dooddii baarlamaanka UK ay dhowaan ka yeesheen arrintaas. Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan. Omamo ayaa sidoo kale waxay kaga hadashay xiisadda Itoobiya. Waxay sheegtay in Kenya aysan illaawin Itoobiya, oo ay sii wadi doonto inay si hoose ula xaajooto, una adeegsato diblomaasiyad jilicsan si loo soo afjaro xiisadda ka taagan dalka deriskeeda ah. Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres uu BBC-da u sheegay in xaaladda Itoobiya ay beesha caalamka ku adkaatay inay xalliyaan, iyadoo xukuumadda Addis Ababa ay si joogto ah uga dhega adeygtay waxa uu ugu yeeray farogelinta shisheeye. Waxay wasiirka sheegtay in Kenya ay rumeysan tahay awoodda ay Itoobiya u leedahay inay is faham gaaraan, isla markaana inkastoo ay waqti qaadaneyso, haddana siyaasiyiinta xabsiga laga soo daayay ay muujineyso in xoogaa horumar ah la gaaray. Waxay intaas ku dartay in Kenya ay Itoobiya kala hadleysay baahid aloo qabo wada xaajood qaran, xabbad-joojin iyo in dadka la gaarsiiyo gargaar bani'adaannimo. Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkan gudhiisa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland. Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaannada iska taageen qaddiyadda Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac. Xildhibaannada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka hor keenay mooshinka ka doodidda aqoonsiga Soomliland. Gavin ayaa waxaa uu baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, isaga oo arrimo badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland. Bishii December ee sanadkii 2020 ayay ahayd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya. Muuse Biixi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo sheegay inay ka wada hadleen danaha ay wadaagaan. Booqashada Muuse Biixi waxay ku soo aadday xilli uu aad u sii xumaanayay xiriirka Kenya iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya. 29-kii bishii la soo dhaafay ee novemberNovember ee isla sanadkaas, war qoraal ahaa oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliya na lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa. ""Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa go'aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kaddib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland,"" ayaa lagu sheegay qoraalkaas. Kenya ayaa beenisay in farogelin ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Somaliland ayaa 30 sano ka hor ku dhawaaqday in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale, balse tan iyo xilligaasi ma aysan helin aqoonsi caalami ah." https://www.bbc.com/somali/war-60086269 +politics Sameer Wankhede: Askarigii xiray wiilka Shah Rukh Khan oo 'godkiisa ay biyo ugu galeen' "Aryan Khan oo ah wiilka uu dhalay xiddigga caanka ah ee Bollywood-ka, Shah Rukh Khan, ayaa wax dambi ah lagu waayay kaddib markii lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu isticmaalay daroogo. Haddse waxay fartu ku fiiqan tahay sarkaalkii xabsiga dhigay. Shan ruux oo uu ku jiro Aryan ayaa Jimcadii laga bari yeelay eedeymaha lagu haystay oo daba socday dacwad ay ka diyaarisay Laanta Xakamaynta Darooga ee magaceeda loo soo gaabiyo NCB. Hase yeeshee, Guddiga Khaaska ah ee Baaritaanka ee hoos taga NCB ayaa warbixin ay soo saareen farta ugu fiiqay doorka ay kiiskan ku lahaayeen kooxda dacwadda soo diyaarisay ee uu hoggaaminayay Sameer Wankhede. Sida uu qoray Wargayska caanka ah ee Indian Express, guddiga khaaska ah ee baaritaanka ayaa warbixintooda ku qeexay in kooxda uu horkacayay Sarkaalka ka socday hay'adda Canshuuraha ee Hindiya, Mr Wankhede, ay isku dayeen inay 'raadiyaan qaab ay dambi been abuur ah ugu yeelaan Aryan Khan'. Guddiga ayaa xusay in ""ay la yaabeen markii ay ogaadeen in Arbaaz Merchant, oo saaxiib la ah Aryan Khan, oo laga helay caddeymaha daroogada qaar, uu si toos ah u beeniyay inuu kiiskan wax lug ah ku leeyahay Aryan, iyadoo ay xitaa sidaas jirtana ay wali askarta baaritaanka wadday daawadeen xogta WhatsApp-ka ee telefoonka Aryan, iyagoo aan si sharci ah ula wareegin moobilkiisa."" Waxay intaas ku dareen in tallaabada noocaas ah ay muujinayso in Sameer Wankhede uu damacsanaa inuu helo waddo uu si uun dambi ugu helo Aryan Khan. Wargayska oo soo xiganayay ilo wareedyo ayaa qoray in uu jiray qorshe loo sameeyay Sameer Wankhende si uu xor ugu noqdo baaritaannada kiiskan, taas awgeedna taliyaha isaga ka sarreeyay, Mutha Ashok Jain, uu fasax aaday maalintii la fulinayay howlgalka lagu weeraray guriga Aryan Khan ee magaalada Mumbai, oo ku beegnayd 2-dii bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay. Xogta wargayska ayaa intaas raacisay in Mas'uuliyiinta Xarunta Dhexe ee NCB ee magaalada Delhi ay kiiskan ka war heshay maalintii xigtay, oo markaas kaddib uun ay ogaadeen nooca caddeymaha loo diyaariyay kiiska. Balse Aryan Khan ayaa xilligaas Warbaahinta ka sheegayay in kiiska loo haysto uu yahay fadeexad been abuur ah oo sumcaddiisa lagu waxyeelleynayo. Tan iyo markii kiiska la laalay waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta Hindiya qabsaday hadalhaynta ku saabsan arrintan iyo eedeymaha loo jeedinayo Sameer Wankhede. Taageerayaasha Aryan, oo jilaa ah sida aabihiis, ayaa hadda ka war sugaya tallaabada xigta ee la qaadi doono. Sameer Wankhede waxa uu kasoo jeedaa gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya. Magaciisa waxa uu soo shaac baxay sanadkii 2008-dii waxa uu ka howl galayay qaybta canshuuraha ee garoomada diyaaradaha. Markii ugu horreysay waxa uu booliska Hindiya ku biiray sanadkii 2006-dii. Sameer aabihiis xitaa waxa uu ahaan jiray askari ka tirsanaa booliska Hindiya. Markii uu ku biiray waaxda canshuuraha, Wankhede waxaa durbadiiba la geeyay qaybta kastamka. Waxa uu muddo dhowr sano ah taliye ku xigeen ka ahaa waaxda canshuur eegista ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Mumbai. Waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay taliska sirdoonka canshuuraha (DRI) iyo iyo Laanta Qaran ee baaritaannada (NIA). Laanta NIA waa hay'ad ka tirsan dowladda oo baaritaanno ku sameysa falalka la xiriira argagixsada. Sanadkii 2020-kii, Sameer Wankhede waxaa loo magacaabay inuu noqdo taliyaha laanta la dagaallanka iyo xakameynta maandooriyaha ee magaalada Mumbai. Waxaa sidoo kale la guddoonsiiyay abaalmarinta ugu wanaagsan ee dhinaca baaritaanka, taasoo ay siisay wasaarad ka tirsan xukuumadda. Sameer Wankhede waxa uu markii ugu horreysay wararka warbaahinta qabsaday 2020-kii kaddib markii uu la wareegay baaritaannada la xiriira eedeymaha ganacsiga daroogada ee ka jiray gudaha Bollywood-ka. Eedeymaha la xiriira in xiddigaha Bollywood-ka ay ku lug leeyihiin ganacsiga maandooriyaha waxa ay indhaha NCB kusoo jeesteen kaddib geeridii atoorihii lagu magacaabi jiray Sushant Singh Rajput. Bannaanka ayay iska taallay hadal heynta ku saabsan in jilayaasha Bollywood-ka ay isticmaalaan daroogada, waxaana taas sii dheereyd in Sushant Singh Rajput saaxiibtiis Rhea Chakraborty lagu eedeeyay inay isticmaasho daroogada. Ciidanka ka howlgala NCB ayaa xabsiga u taxaabay Rhea Chakraborty, kaddibna Sameer Wankhede waxa uu u soo jeestay inuu dabagal ku sameeyo Bollywood-ka. Xarunta NCB waxaa sidoo kale looga yeeray xiddigaha kala ah Deepika Padukone, Sara Ali Khan, Rakul Preet Singh iyo Sharaddha Kapoor, kuwaasoo dhammaantood su'aalo laga weydiiyay arrintan, halka majaajiliistaha caanka ah ee lagu magacaabo Bharti Singh isagana loo xiray eedeymo ku saabsan maandooriyaha. Jilayaasha kale ee su'aalaha la weydiiyay waxaa ka mid ah Arjun Rampal oo ka mid ah atooreyaasha ugu magaca weyn Bollywood-ka iyo atariisada musalsalka telefishinnada ee lagau magacaabo Pratika Chauhan. ""Sanadkan gudihiisa oo kaliya waxaa, NCB waxay fulisay 94 howlgal oo laga sameeyay Mumbai iyo 12 laga sameeyay Goa,"" ayuu yiri Wankhede oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee ANI. Waxa uu intaas ku daray ""in 12 qof loo xiray dacwado la xiriira daroogada"". Laakiin Sameer Wankhede waxaa lagu eedeeyay inuu si sharciga ka baxsan u bartilmaameedsado xiddigaha Bollywood-ka si uu ugu soo caan baxo. Xitaa markii uu Sameer Wankhede ka howlgalayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Mumbai, waxaa lagu dhaliilayay inuu si gaar ah u daba dhigan jiray xiddigaha Bollywood-ka. Intii uu taliye ku xigeenka ka ahaa qaybta canshuur eegista waxa uu ganaax dul dhigay atariishada Bollywood-ka ee lagu magacaabo Manissha Lamba iyo fannaanka la yiraahdo Mika Singh. Waxaa la sheegay in sanadkii 2011-kii markii koobka ciyaaraha Cricket-ka ee Hindiya ay kusoo guuleysatay la keenay garoonka diyaaradaha Mumbai la diiday in lala soo galo ilaa laga bixiyo canshuur. Xilligaas Sameer ayaa joogay qaybta canshuur eegista." https://www.bbc.com/somali/war-61619164 +politics "Kheyre: ""Doorashada iney xilligeeda ku qabsoonto waa lagama maarmaan""" "Ra'isal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay iney laga maarmaan tahay iney doorashada xilligeeda ku qabsoonto, sida oo kalana doorashadu ay tahay sharciyadda ay ku joogaan xilalkana ay ku hayaan. Ra'isal wasaaraha ayaa hadalkaasi sheegay xilli uu la kulmay golahiisa wasiirrada. Wuxuuna Ra'isal wasaare kheyre uu ku baaqay maanta laga billaabo iney tahay in la diyaariyo sidi ay doorasha u dhici lahayd. ""Dalkan waa inuu afarti sanaba mar uu doorasho galo, doorasha ay dadka intooda badan isla oggol yihiin , dadka ay quseyso doorashada oo dhan ama badankooda (stakeholders) ay qayb ka yihiin. Doorasha ayaa ka dhici jirtay dalkan waxay doontaba ha ahaatee waana tan na siisay sharciyadda aan ku joogno. Doorasha iney dhacda ayaa ka muhiimsan inta kale"" ayuu yiri. ""Taa macnaheedu waxay tahay inuu qof weliba uu ku dhasho dareenka ah iney dalkan afarti sanaba mar ay doorasho ka dhcado. Hadda waxaa gacanta ku haya baarlamaanka, waxaa kale oo shaqeeya guddigi laakiin ka siyaasiyiin ahaan madaxdii qaranka oo golihi wasiirrada ah waxaan rabaa inaad ogaataan oo aan ku fikirno laga billaabo maanta iney shaqadeenna ay noqon doonto sidi dalkan aan u gaarsiin laheen doorasho umadda Soomaaliyeed u dhan tahay, xasiloon, nabad ah, dadku ay qayb ka noqdaan"" ayuu yiri Ra'isal wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo golahiisa wasiirrada la hadlayey. Haddaba muxuu ka dhigan yahay hadalka Ra'isal wasaare Kheyre? Muxuuse ka tari karaa guuxi muddo kororsi eee jiray? waxay su'lahaasi iyo su;aala kalaba BBC-da u bandhigtay Agaasimaha Machadka Heritage C/rashiid Xaashi. ""Hadalka Ra'isal wasaaraha hadal macquul ayuu u egyahay oo wanaagsan, dowlad ahaanna haddii uu yiri wakhtiga ugu badan baan gelin doonnaa iney wakhtigeeda ku dhacdo doorashada xalaal ah, oo aan dhibaata keenin, oo aan dalkan qalalaasa ku keenin ayagana wixi ay qabteen iyo sharciyaddooda aan sii carqaladeyn runtii waa war wanaagsan oo u baahan in la soo dhaweeyo, laakiin haddii fursad la heli lahaa waxaa la sii weydiin lahaa su'aalo iyo faahfaahin intaa ka badan"". ""Doorasha in la qabto waa lagu qasban yahay oo wakhtiga madaxweynuhu dhammaado oo 8-dda Fabraayo la gaaro, qolyaha baarlamaankana ilaa Octoobar-December la gaaro muddo xileedkoodi ayaa dhammaanaya haddii marka wakhti la gaaro oo ay doorasha dhicin ma talin karaan oo sharciyad ma haystaan"", ayuu yiri. ""Ilaa iyo 2,000 waxaa dalka lagu soo waday qolo walba marka uu wakhtiga u dhammaado doorasha tii hore ka fiican iney sameeyaan, dowladdanna waxaa laga sugayaa dooorasha hal qof iyo hal cod ah, annaga bishii hore daraasad aan soo saarnay waxaan ku caddeynay wixi loo baahnaa ama sababi lahaa doorasha hal qof iyo hal cod ay suuragal ahayn, waxaanna ku talinnay dhinacyada ay quseeyso siyaasadda Soomaaliya oo dhan iney iisu yimaaddaan balse waxaad mooddaa iyada oo ay 9-10 meelahaa harsan yihiin in aad loo daahsan yahay oo aan weli la iisu iman"" ayuu yiri C/rashiid. ""Laakin, tallaabbadan waa tallaabba macqul ah uu hadda Ra'isal wasaaruhu ku dhawaaqay waana iney sidii galmudug oo kale ay aad u jiitamin oo xal la gaaro"" ayuu yiri Agaasimaha Machadka Heritage C/rashiid Xaashi oo BBC warramay. In muddo ahba waxaa isasoo tarayay walwal ku saabsan in saameynta coronavirus ay taabato jadwalka doorashada Soomaaliya. Midowga ayaa walaac ka muujiyay in dib loo dhigo doorashada dalka Soomaaliya ka dhici doonta. Wakiilka EU-da ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Midowga Yurub ay ka walaacsan yihiin cawaaqib xumo ay suuragal tahay inay ka dhalato taariikhda cusub ee loo qabtay in guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya ay hor tagto Baarlamaanka Federaalka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa BBC-da kala hadlay walaac laga qabo in dib u dhigista furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ay horseeddo dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya. Saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19 oo Soomaaliya gaaray ayaa sababtay in la hakiyo howshii Baarlamaanka, taasoo udub dhexaad u ahayd hannaanka doorashada xigta ee dalka. Hase yeeshee, guddoomiye Mursal ayaa ku adkeystay in xal loo heli doono sidii doorashada xilligeeda loo qaban lahaa. ""Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo"". ""Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto"", ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka. Wuxuu Mursal meesha ka saaray suurtagalnimada in la kordhin doono muddo xileedka Baarlamaanka iyo madaxweynaha. ""Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaarin ka hor inay doorasho dhacdo"", ayuu yiri Guddoomiye Mursal." https://www.bbc.com/somali/war-52858570 +politics Dacwadda Badda Kenya-Somalia: Marxaladihii uu soo maray khilaafka labada dowladood iyo kiiska ICJ "Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aqbashay una hogaansameyso go'aankii maxakamada Cadaaladda aduunka ee ICJ ee dib loogu dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda badda ee kala dhexeeya Kenya. Raiisul wasaaraha ku xigeenka Soomaaliya Mahdii Maxamed guuleed ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo Soomaaliya ay jacleed in 5 ilaa 12-ka June la qaado dacwada haddana ay garaawsadeen waqtiga lagu jiro oo ""aaney suurta gal aheyn marka dhinacyo kala duwan laga eego"". ""Inkasteenu jecleyn kuna doodnay oo ku adkeysannay i Bisha June la maqlo oo maqaal iyo muuqaal lagu dhageysto, haddana anaga doodayadu waxay aheyd in mar walba la maqlo caddaallada oo la dhageysto, balse go'aanka maxkamadda dhinacyadu wey ku qasban yihiin inay qaataan waxay maxkamaddu waqtigan tixgelisay cudurka dilaaga ah ee aafeeyay adduunka,"" ayuu yiri Mahdii. Bishii November, waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Uhuru Kenyatta iyo Farmaajo kuwaas oo isku raacay in khilaafka badda uusan saameyn xiriirka labada dal ka dhexeeya. Waxayna ku heshiiyiin in dib loo soo celiyo arrimo ka dheexayay labada dhinac oo xirmay. Arrintaas ayaa daba socotay khilaaf diblumaasiyadeed oo soo noqnoqday kaas oo ka dhexeeyay labada dowladood. Arrintaas waxaa hurinayay arrimo ku gedaamay dacadda badda ee taalla maxkamadda ICJ. Dr Afyare Cabdi cilmi oo culuumta siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Qadar ayaa sheegay in dib u dhigista dhageysiga dacwadda badda aysan wax dhibaato ah horseedeyn. ""Soomaalida dabcan wey jeclaan laheyd in waqti hore waxaan lagu kala baxo, hadda ma arko aniga wax weyn oo dhib ah haddiiba weli maxkamdda uu kiiska yaallo,"" ayuu yiri. ""Maadama arrinka uu weli taagan yahay hadda dhacdadan waxa hadda Kenya u gaar ah ma aha, wax Soomaaliya u gaar ahna ma aha, waa wax adduunka oo dhan ku wajahan waana wax maxkamadda sida ay u shaqeyn doonto saameyn ku yeelan doona"". Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in maxkamadda Caddaallada Adduunka aysan kiiskan kaliya dib u dhigin isla markaana ay jiraan dacwado kale oo ay dib u dhigtay feyraska Korona awgii. Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka. Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal ayna go'aan ka gaari karto. April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac. Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya. August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya. Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodda ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad uu ku faahfaahiyo heshiiska. July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go'aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go'aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal. Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo. Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso. Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas. Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go'aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda. Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2019 : Maxkamadda Caddaallada Adduunka waxay dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda oo xilliggaas la qorsheeyay in uu dhaco 4-ta Nofeembar, balse waxay ka dhigtay illaa bisha June ee sannadka 2020-ka. Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxay sheegeen inay eegayaan xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go'aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sannadka soo socda ee 2021-ka." https://www.bbc.com/somali/war-52736070 +politics Mareykanka oo qaaday tallaabo si weyn uga cadheysiisay Shiinaha "Wasiir ka tirsan xukuumadda madaxweyne Trump ayaa maanta oo Isniin ah la kulmay madaxweynaha Taiwan - tallaabadaas oo ka careysiisay Shiinaha, siina xoojisay xiisadda u dhaxeysa Washington iyo Beijing. Alex Azar, oo ah Wasiirka Caafimaadka iyo bani'aadamnimada ayaa noqday siyaasigii ugu heer sarreeyay ee Mareykan ah oo muddo tobannaan sano gudahood ah booqday Jasiiradda Taiwan. Taiwan ayaa ah mid ay dunida kale u aragto dal madax-bannaan, laakiin Shiinaha ayaa u aaminsan inay tahay gobol uu isagu leeyahay. Dowladda Shiinaha ayaa Mareykanka ugu baaqday inay xushmeyso waxa ay ugu yeedhtay ""dalweynaha Shiinaha"" iyo nidaamyadiisa. ""Shiinaha wuxuu si adag uga soo horjeedaa xiriir kasta oo rasmi ah oo dhex mara Mareykanka iyo Taiwan,"" ayuu yidhi afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha. Wuxuu hadalkaas jeediyay markii isbuucii lasoo dhaafay la shaaciyay booqashadan. ""Waxaan ku boorrineynaa Mareykanka... inuusan wax calaamado khaldan ah u dirin 'Arrimaha qornimada Taiwan' si looga hortago inuusan aad usii xumaanin heer waxyeello ahna gaadhin xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha. Mr Azar, oo Jasiiradda tagay hal maalin ka hor inta uusan la kulmin madaxweyne Tsai Ing-wen, ayaa sheegay in ""booqashadiisa ay khuseyso saddex ajande"". ""Ajandaha koowaad waa in Taiwan loo aqoonsado in ay tahay bulsho dimuqraaddi ah oo si fiican ugu guuleystay dagaalka ka dhanka ah Covid-19,"" ayuu yidhi. ""Kan labaad waa in dib loo xaqiijiyo in Taiwan ay tahay saaxiib muddo dheer ay xulafo ahaayeen Mareykanka. ""Kan saddexaadna waa in hoosta laga xarriiqo in Taiwan ay mudan tahay in loo aqoonsado hoggaamiyaha caafimaadka adduunka, maadaama ay si muuqata wax ugu soo kordhisay caafimaadka caalamiga ah."" Inkastoo Mareykanku uusan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la wadaagin Taiwan, haddana sharciga xiriirrda ee Taiwan, oo la sameeyay sanadkii 1979-kii ayaa oggolaanaya in Mareykanku uu hub ka iibiyo Jasiiradddan, wuxuuna fasaxayaa inay la sameysato ""xiriir dhow"". Taiwan waxay xaqiijisay wax ka yar 480 kiis oo Covid-19 ah iyo toddoba dhimasho oo kaliya. Waxay duullimaadyadii magaalada Wuhan iska hakisay 23-kii bishii January - ka hor inta aysan sidaas sameynin inta badan dalalka kale ee caalamka - waxayna karantiileysay dadka ka imaanayay waddamada kale. Sidoo kale waxay Taiwan awood u lahayd inay dabagal ku samyso dadka cudurka qaba. Taiwan xubin kama aha Hay'adda Caafimaadka Aduunka (WHO) sababtoo ah ma aha dal ay aqoonsan yihiin Qaramada Midoobay iyo Shiinahaba. 31-kii bishii December, dowladda Taiwan ayaa ka codsatay hay'adda WHO inay xog dheeraad ah ka siiso fayraska, laakiin waxay sheegtay inaysan wax jawaab ah helin. Arrintaas waxay ka cadheysiisay madaxweyne Trump, oo bishii April Twitter-kiisa ku dhaliilay hay'adda WHO. Mas'uuliyiinta WHO ayaa sheegay in farriinta uga timid Taiwan ""aysan muujinin cudur ay bani'aadanka isku gudbin karaan""." https://www.bbc.com/somali/war-53719710 +religion Anjem Choudary: Wadaad laf dhuun gashay ku noqday dowladda Britain oo xannibadii laga qaaday "Xayiraadaha ay ku soo rogeen mas'uuliyiinta Ingriiska daaciga xagjirka ah Anjem Choudary ayaa u muuqda kuwo laga qaadi doono. Chaudhry, oo ka soo jeeda Ilford, bariga London, ayaa xabsi ku jiray shan sano iyo badh oo ka bilaabmaya sannadkii 2016 ka dib markii lagu helay dambi ah inuu abaabulay taageerada kooxda xagjirka ah ee Daacish. Waxaa si shuruud leh looga sii daayay xabsiga Belmarsh sannadkii 2018, waxaana la saaray xiyaraad guud taas oo la filayo in ay dhammaanto dhowaan. Ma aysan cadeyn hadii ay kormeerayaan booliska iyo sirdoonka ama haddii uu sii ahaanayo ""nin mudan in gaar looga warhayo"". Chaudhry ayaa ahaa hoggaamiyaha kooxda hadda la mamnuucay ee Al-Muhajiruun, oo lagu eedeeyay fasiraad xagjir ah oo diinta Islaamka ah. Choudary, oo ahaa qareen, waxay ahayd inuu xirto qalab elektaroonig ah oo lagula soconayo dhaqdhaqaaqiisa, iyo inuu guriga joogo habeenkii, ama inuu helo rukhsad uu ku tago masaajidda oo uu ku dhex jiro meel cayiman, uuna u hoggaansamo shuruudaha kale sida inuu si joogto ah ula kulmo saraakiisha amniga. Waxaa la rumeysan yahay in booliska iyo hay'adda amniga gudaha ""MI5"" ay ka mid ahaayeen kuwii ku lugta lahaa ilaalinta Chaudhry. Magaciisa waxaa lagu daray liiska dadka cunaqabateynta ay saareyso Qaramada Midoobey, taas oo macnaheedu yahay in laga mamnuucay safarka isla markaana hantidiisa la xayiray. Ilo wareed sare oo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warbaahinta in xayiraadaha, sida kuwa lagu soo rogay Chaudhry, ay dhib ku tahay tuhmanayaasha inay sii faafiyaan fikirka ay ku eedaysan yiiin. Wicitaanada taleefanka iyo isticmaalka internet-ka, ayaa laga mamnuucayaa dadka looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin arrimaha xagjirnimada, marka laga reebo ogolaanshaha hore ee maamulka." https://www.bbc.com/somali/war-57881025 +religion Shiinaha: Malaayiin Muslimiin oo loo ciqaabo maxaad u cibadeysataan "Shiinaha ayaa xabsiga u taxaabay ugu yaraan 630 Imaam tani iyo 2014-kii howlgallo ay ka wadeen gobolka Xinjiang, sida lagu sheegay cilmi-baaris cusub oo ay sameysay koox u doodda Xuquuqda qowmiyadda Uyghur. Nuqul ka mid ah warbixintan oo BBC soo gaaray ayaa lagu sheegay cilmi-baarista in lagu ogaaday 18 sheekh iney ku dhinteen xabsiyadii ay ku jireen. Inta badan culimada iyo Imaamyada u xiran xukumadda Beijing waxa lagu soo oogay dacwad la xiriirta'iney xagjirnimada faafinayeen', 'carqaladeynta nidaamka bulshada', iyo 'abaabul gooni-u goosad.' Hase yeeshee ehelada Imaamyadu waxay sheegayaan waxa loo haysto iney tahay oo keli ah Muslimiinta oo ay wacdiyeen, waxbaridda ducaadda iyo iney masaajidda Imaamyo ka noqdeen. Kooxdan u doodda xuquuqda qowmiyadda Uyghur waxaa kale oo ay sheegeen culimada Muslimiinta oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 1,046 oo ay intooda badan yihiin Muslimiinta Uygure iney xabsiyada dowladda Shiinaha ku jiraan. Tiradaasi oo ay kooxdu sheegeen iney ka soo xigteen dokumantiyada maxkamadaha, marag furka qoysaskooda iyo xogta dadweynaha ay ka soo uruuriyeen. 630-ka wadaad ee muddada gacanta lagu hayay 304 ka mid ah waxaa loo diray xabsi, tallaabadaas oo kasoo horjeedda ololaha dowladda ee ""dib wax u barista"" oo laga sameeyo xeryo ay hayadaha xuquuqda u dooda ku qeexeen in dowladda Shiinaha ay ku xareyso Muslimiinta Uyghur. Dowladda Shiinaha waxay difaacday xeryaha lagu xiray dadka, iyadoo sheegtay in ay yihiin kuwo ku meel gaar ah ""oo wax lagu barto"" si looga hortago falalka argagixisanimada iyo xagjirnimada dhinaca diinta. Shiinaha ayaa la aaminsan yahay inuu xirxiray in ka badan hal milyan oo qof oo kasoo jeeda qowmiyadda Uyghur iyo Muslimiinta kale ee gobolka Xinjiang, oo ah gobol aad u weyn oo ku yaalla waqooyiga-galbeed ee dalka Shiinaha, hoyna u ah dadka loo yaqaanno Turkic oo qabiillo kala duwan ah. Dowladda waxaa lagu dhaliilay inay gobolkaas ka geysatay tacaddiyo bani'aadannimo, oo ay ka mid yihiin in dad lagu khasbay shaqo iyo kufsi. Inta badan dadka la qabtay waxaa lagu xareeyo xeryo la sheegay in ""dib wax loogu barayo"" - kuwaasoo ah xarumo sida xabsiga oo kale ah oo dadka lagu hayo waqti aan la cayimin. Tirada dadka meelahaas la geeyo ayaa aad u badatay tan iyo sanadkii 2017-kii. Aad bay u yartahay in la arko xarumo dadka lagu xiro oo la yaqaanno , sidoo kalena lama helo xogta la xiriirta dacwadahooda. Dabayaaqadii sanadkii 2019-kii, markii ay dunida ka qeylisay xeryaha ""dib wax ugu baridda"" ee Shiinaha waxay Beijing sheegtay in ay sii deysay inta badan dadkii meelahaas lagu hayay. Tiro badan ayaa lasii dayaay, qaarkoodna waxaa loo baddalay xabsi guri ama qaabab kale oo ay dowladdu kula socoto dhaqdhaqaaqyadooda. Laakiin hay'adaha xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in dadka badankiis loo wareejiyay xabsiyada caadiga ah. Goobta ugu weyn ee Muslimiinta Uighur ee dalka Shiinaha lagu ciqaabo waxay ku taalla dhul lamadagaan ah oo ku yaalla Galbeedka Janjang degma yar oo ku taallo oo la yirahdo Dabacheng. Darbiga xabsigan ku wareegsan wuxuu gaarayaa 2 kiilo mitir waxaana darbiga ka sii dul dhisan 16 guri oo shub oo kuwa askarta ilaalineyso maxabiista ay adegsadaan. Waxaana la helay caddeeymo cad oo muujineyso inuu Shiinaha muwaaddiniinta u dhalatay Shiinaha ee aaminsan diinta Islaamka uu qarniyo badan goobtan iyo gooba kale oo la mid ah oo ku yaalla dalka qaybahiisa kala duwan uu ku soo ciqaabeyey. Laga billaabo 2015-kii dhulka lama dagaanka ee xabsiga laga dhisay waxaa ku soo qulqulayey gaadiid fara badan oo sida qalabka dhisamaha loo adeegsado taasoo dadka deegaannadaasi ku nool ay la yaabbanaayeen iyaga oo ugu dambeynti xaqiiqsaday in wax un laga dhisi doono balse dhisamahaasi waxa uu yahay cidna ma sheegi karin. June 2018-ka wixii ka dambeeyey Dayax-gacmeedyadu waxay billaabeen iney soo saaraan sawir dhismo u eg, dhismahaasi oo ah mid aad u weyn oo dhulka lamadagaanka ah ee galbeedka Shiinaha laga dhisay isla markaana si aad ah loo ilaaliyo. Darbiga ku wareegsan oo keli ah dhererkiisu waa laba Kiilo Meetir, Waxaana ku nool kumannaan asakari oo aad u hubeysan oo ilaalida xabsiga ah. Balse cidna ma ogeyn qarniga aan joogno xadgudubyada bani aadamka loo geysta kuwooda ugu xun in xabsigan looga geysto muslimiinta Uighur ee dalka Shiinaha. Tani iyo 2019-ki markii ay soo ifbaxday hadal haynta xaruumaha Shiinaha uu ku hayo Muslimiinta dalkaasi waxaa soo ifbaxay baaritaanno caalami ah. Wixii intaa ka dambeeyeyna Shiinaha wuxuu billaabay inuu ku andacoodo dhammaan dadkii xaruumahaasi ku jiray oo dhan inuu sii daayey. Halka ay kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ay sheegayaan in qaar badan xaruumahaasi laga soo saaray si fududna loogu wareejiyey xabsiyo rasmi ah. Wargeyska New York Times wuxuu qoray inti u dhaxeysay 2017-2018 iney dowladda Shiinaha xabsiyada u taxaawday Muslimiin ka badan 230,000. Musimiintana waxay dowladda Shiinaha ka mamnuucday iney Salaadaan ama Soomaan astaan diineedna ay muujiyaan ciddi sidaa sameysana ay ciqaab adag la kulmayso. Masaajiddi ay Muslimiinta ku cibaadeysanayeen oo dhanna waxay ku xirtay kaameerooyin dhaqdhaqaaqa Muslimiinta lagala socdo. Beijing waxay burburisay in ka badan 16,000 oo masjid oo ku yaallay gobolka Xinjiang si ay Muslimiinta u waayeen goobo ay ku cibaadeystaan ama ay isugu yimaaddaan. Shiinaha ayaa xoog ku kala qeybiyay qoysaska Muslimiinta Uighur, waxaana caruurta yaryar la geeyay xarumaha agoonta ee dalkaas, sida ay sheegtay Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Warbixin cusub, ayay Amnesty ku sheegtay in Shiinaha ay ka codsatay in la siidaayo dhammaan carruurta Muslimiinta ee lagu hayo xarumaha agoonta ee aan ogolaansho looga haysan qoysaskooda. Hay'addan ayaa lahadashay waalidiin caruurtooda ugaga tagay eheladooda Shiinaha, ka dib markii lagu khasbay in ay wadanka ka cararaan. Urururada u dooda xuquuqda aadanaha waxay Shiinaha ku eedeeyeen inuu xiray in ka badan hal milyan oo ah Muslimiinta Uighur. Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale la kulantay eedeymo fara badan oo ah xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo ka dhan ah qowmiyadda Uighur iyo Muslimiinta kale ee laga tirada badan yahay, waxaana tacaddigaasi ka mid ah, muquunin, isir sifeeyn qasab ah, iyo kufsi. Dowladda ayaa beenisay in ay qowmiyadda Uighur ku hayso xeryo ku yaal gobolka Xinjiang ee woqooyi-galbeed Shiinaha. Waxay sheegtay in xeryaha ay yihiin ""dhaqan celin ah"" oo loo adeegsado la dagaalanka argagixisada. Maadaama marinka Xinjiang uu yahay mid xadidan, hay'adda Amnesty waxay lahadashay Uighur-ka ay u suuro gashya in ay ka cararaan Xinjiang kahor inta aan la xoojin caburinta dadkaas Muslimiinta ah lagu hayo, sannadkii 2017. Mihriban Kader iyo Ablikim Memtinin waxay ka soo qaxeen magaalada Xinjiang, waxayna haddan deggan yihiin dalka Taliyaaniga, sannadkii 2016 ka dib markii ay booliska dhibaateeyeen isla markaana lagu cadaadiyay in ay ka tanaasulaan baasabooradooda, Amnesty ayaa sidaasi tiri. Waxay afar cartuur ah uga tageen xanaanada kumeelgaarka ah ee ayeeyadeed iyo awoogeed, laakiin ayeeyadeed ayaa loo qaaday xero lagu hayo, halka awoowgana ay su'aalo weydiinayaan booliska, ayay hay'adu tiri. ""Qaraabadayada kale kuma dhiiran karaan in ay ilaaliyaan caruurteyda ka dib wixii ku dhacay waalidkey,"" Mihriban ayaa u sheegay Amnesty. ""Waxay ka baqayeen in iyagana xerada la geeyo."" Bishii November ee 2019-kii, Mihriban iyo Ablikim waxay dowladda Taliyaaniga ka heleen ruqsad ay ku keenayaan carruurtooda si ay ula midoobaan, laakiin carruurta waxaa qabtay booliska Shiinaha, waxaana loo diray xarunta agoonta ee ay maamusho dowladdu, sida ay sheegtay Amnesty. ""Hadda carruurtayda waxay ku jiraan gacanta dawladda Shiinaha mana hubo in aan awoodi doono in aan mar kale la kulmo inta aan noolahay,"" ayuu yidhi Mihriban. Omer iyo Meryem Faruh, oo u qaxay Turkiga, dabayaaqadii 2016, waxay ka soo tageen laba caruur oo shan iyo lix sano jirro kala ahaa, sababtoo ah ma aysan haysan dukumiintiyo dhanka safarka ah, Amnesty ayaa sidaas ku xustay warbixinteeda. Waxay ogaadeen goor dambe in ayeeyadii ay uga tageen caruurta la xiray lana geeyay xero oo ilaa iyo hada wax war ah aan laga helin caruurtooda. Hey'adaha xuquuqda aadanaha ayaa horay Dowladda Shiinaha ugu eedeysay in dadka Muslimiinta ay ku qasabto in ay ka baxaan diinta Islaamka iyo tashkiilin qasab ah, iyo in maskaxdoodana laga masaxo fikirka diinta Islaamka ee ay aaminsan yihiin. Xaaladda Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur ayaa sanadihii dambe laga deyrinayay, ka dib markii la soo wariyay in dhibaato joogta ah ay kala kulmaan xukuumadda Shiinaha." https://www.bbc.com/somali/war-61552672 +religion Muslimiin ka carootay dal sheegay in gabar 21 sano ka yar aan la guursan karin "Dhowr hoggaamiye, oo uu ku jiro xildhibaanka xisbiga AIMIM Asaduddin Owaisi, ayaa ka soo horjeestay ansixinta uu baarlamaanka dalkaas ansixiyay in da'da sharciga ah ee gabdhaha la guursanayo oo ahayd 18 la kordhiyo lagana dhigo 21. Mid ka mid ah xildhibaannada dalkaas oo lagu magacaabo Owaisi ayaa bartiisa Twitter-ka qoraal uu soo dhigay ku yiri 'ragga iyo haweenka 18 jirka ah way sameysan karaan ganacsi, way saxiixi karaan heshiis, way dooran karaan raysal wasaare balse ma guursan karaan'. Dhanka kale, Golaha Muslimiinta Hindiya (IUML) ayaa ka soo horjeestay sharcigan oo uu shalay ansixiyay baarlamaanka, kaas oo da'da gabdhaha la guursan karo oo ahayd 18 laga dhigo 21. Hoggaamiyaha IUML Abdul Wahab ayaa yiri, ""Hindisaha da'da gabdhaha la guursna karo oo ahayd 18 looga dhigayo 21, oo uu baarlamaanku ansixiyay, ayaa sidoo kale looga gol leeyahay faragelinta sharciga Muslimiinta."" Ururro badan oo Muslimiin ah oo ka dhisan gobolka Kerala ee dalka Hindiya ayaa sidoo kale arrintaas ka hor yimid. Sidoo kale kooxo badan oo aan Muslimiin ahay ayaa arrintan ka soo horjeestay. Xisbiga Kongareeska Hindiya ayaan weli ka hadlin arrintan, balse afhayeenkooda Shakti Singh Gohil ayaa ku tilmaamay 'dabin ay soo maleegtay dowladda Modi'. Si ay isaga weeciso dalabaadka mucaaradka. Hoggaamiyaha xisbiga CPM Brinda Karat ayaa isaguna sheegay in hindisaha dowladdu taageerayo horumarka haweenka balse sidoo kalena uu meel uga dhacayo dookha shakhsiga ah ee dadka qaan gaarka ah. Wuxuu ku taliyay in dowladda Modi ay u deyso da'da laga doonayo inay noqdaan dadka guursanaya ee ragga iyo haweenkaba ah oo ahayd 18 sano. Wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay ku qasban tahay inay diiradda saarto waxbarashada gabdhaha ayna hubiso inay cunno nafaqo leh helaan haweenka, ee aysan arrinta u weecin waxyaabo kale. Wasaaradda haweenka iyo horumarinta carruurta ee Hindiya ayaa guddi u saartay inay soo qiimeeyaan da'da guurka iyo saameynta caafimaad iyo bulsho ee ay ku leedahay dadka. Dadka qaar ayaa dowladda raysal wasaare Modi ku eedeynaya inay go'aankan u qaadaneyso sababo la xiirira xakameynta bulshada, balse taas beddelkeed ayay dowladdu ku doodeysaa in la doonayo horumarinta haweenka iyo sinnaanta jinsiga. Guddiga ayaa sidoo kale ku taliyay in la horumariyo waxbarashada iyo nolosha dadka. Si kastaba, khubarro badan ayaa go'aankan ka soo horjeestay iyagoo sheegay in kaddib markii la soo saaray shuruucda ka dhanka ah guurka carruurta, uu weli sii socdo guurka carruurta, inkastoo uu hoos u dhacay sanadihii dambe. Sida laga soo xigtay tirakoob ay dowladdu sameysay, halkii uu guurka carruurta Hindiya 27% ka ahaa sanadihii 2015-16, wuxuu hoos ugu dhacaya 23% sanadihii 2019-20. Sida uu daabacay wargeyska The Indian Express, da'da ugu yar ee guurka ayaa 18 laga dhigay sanadkii 1978 balse haddana gabdhaha da'da yar ee la guursanayo ayaa soo batay sanadkii 1990. Khubarrada ayaa sidoo kale ku doodaya in sharcigan uu sababayo in dembi uu noqdo guurka. Haatan dalka Hindiya, 23% gabdhaha la guursado waxay ka yar yihiin 18. Waxay khubarradu sheegeen in 70% guurka gabdhaha da'da yar ay sameeyeen qabaa'illo kooban, isla markaana haddii sharcigan la ansixiyo, aysan joojineyn ee ay si qarsoodi ah u sameyn doonaan." https://www.bbc.com/somali/war-59708818 +religion Jamaal Cismaan: Nin Soomaali ah oo hirgeliyay in kor looga adimo Masaajidyada magaaladii ugu horreysay ee Mareykan ah "Guddoomiyaha degmada 6-aad ee Magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota, Jamaal Cismaan, ayaa ku dhawaaqay in dadaal dheer kaddib la hirgelinayo aadaanka codka dheer ee dhammaan masaajidyada. Waxa uu sheegay in laga billaabo 24-ka bishan March masaajid walba oo ku yaalla magaaladaas loo fasaxayo inuu sameecadihiisa dusha sare ku xirto aadaankiisana laga maqlo qaybaha kala duwan ee magaalada. Saddexdii sano ee ugu dambeeyay hal masjid oo ku yaalla magaalada Minneapolis oo keliya ayaa loo oggolaa in uu aadaanka kor u qaado xilliga lagu jiro bisha Ramadaan, loomana oggoleyn inuu bilaha kale ee sanadka sidaas sameeyo. Haddase se maalin kasta shanta salaadood ayaa masaajidyada aadaankooda laga maqli doonaa Minneapolis oo ay ku badan yihiin Soomaalida iyo dad kale oo sidoo kale Muslimiin ah. Waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ee arrinta noocan ah laga dhaqan geliyo magaalo ku taalla Waqooyiga Qaaradda America, sida uu Jamaal qudhiisa sheegay. Wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sharraxay sida ay ugu suurtagashay howshan. ""Markii aan xilkan qabtay, muddo hal sano ah ayaan ka shaqeynayay arrintan, anigoo la tashanayay wadaadada daggan Minneapolis, ururrada u dooda Muslimiinta, aniguna waxaan ahaa qof sharci dajiye ah, waxaana qaaday waddadii ay ku suurtagli lahayd in masjid walba oo magaaladan ku yaalla laga addimo,"" ayuu yidhi Jamaal Cismaan. Waxa uu sheegay in arrintani ay ahayd mid ay bulshadu raadineysay, ""isagana uu heystay fursadda lagu hirgelin karo"". ""Sharcigan wuxuu noo fasaxayaa in masjid walba uu sameecadaha waaweyn kor ku xirto, addinkiisana ay maqlaan dadka bannaanka jooga, sida kuwa gawaarida ku jira, kuwa waddooyinka lugeynaya iyo dadka deriska ah. ""Waddankenena ama dalalka Muslimiinta ah marka aad joogtid waad maqleysaa aadaanka salaad kasta, balse Minneapolis lagama maqli jirin, dadkuna hadda waxay aad ugu farxeen hirgelinta sharcigan,"" ayuu sii raaciyay hadalkiisa. 24-ka bishan ayaa la saxiixayaa in si rasmi ah loogu dhaqmo xeerkan. Shaacinta sharcigan masaajidyada u fasaxaya aadaanka codka sare ah ayaa kusoo aaday xilli ay foodda nagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadaan. Guddoomiye Jamaal Cismaan ayaa sheegay in cid walba oo xeerkan dood ka qabta ay usoo mari karto oo keliya waddo sharci ah. ""Way dhici kartaa in hal ama labo qof ay wax cusub ku noqoto, oo ay maqlaan aadaanka kaddibna dhahaan 'waxani waa arrin cusub ee sidey wax u jiraan?', laakiin sidaan ognahay dalkan sharci ayaa ka jira, sharcigaas ayay dadku fiirinayaan, oo ay ku soconayaan,"" ayuu yidhi Jamaal. Wuxuu hoosta ka xariiqay in buslahadu aysan fileynin inay wax dhibaato ah ka dhalato tallaabadan, cid walbana la ogeysiin doono." https://www.bbc.com/somali/war-60804212 +religion Falalka Islaam nacaybka ah ee ay Muslimiinta Mareykanka wajahaan "Daraasad laga sameeyay Mareykanka ayaa lagu ogaaday in saddex meelood labo ka mid ah dadka ku nool dalkaas lagula dhaqmay Islaam nacayb, halka in ka badan boqolkiiba 90 ay sheegen in arrintaasi ay saameysay caafimaadka maskaxdooda. Ra'yi ururintan, oo ay si wada jir ah u sameeyeen Othering & Machadka Belonging ee Jaamacadda California, Berkeley, ayaa lagu ogaaday in 67.5 boqolkiiba dadka la wareystay ay sheegeen in lagula kacay falal Islaam nacayb ah, oo ay ku qeexeen ""hadallo afka ah iyo/ama weerar shakhsiyadeed, siyaasadaha arrimaha bulshada, amaba dhaqamo aan habbooneyn oo guud ahaan ku wajahn Muslimiinta"". Muslimiinat la wareystay ee gaarayay 1,123, boqolkiiba 76.7 haween ah ayaa sheegay inay la kulmeen Islaam nacayb, marka la barbar dhigo 58.6 boqolkiiba oo rag ah. Xitaa dad intaas ka badan oo la wareystay, oo boqolkiiba 93.7 ah, ayaa sheegay in nacaybka Muslimiinta loo qabo ay ilaa xad saameysay caafimaadkooda maskaxda. ""Tani waxay muujineysaa in xitaa haddii aan qof Muslim ah si toos lagula dhaqmin Islaam nacayb, falalka Islaam nacaybka ee ay ku kacaan warbaahinteenna iyo dhaqanka kaddib 9/11 ayaa Muslimiinta gayeysiiyay inay ku fekeraan in lala socdo, la xukminayo, amaba si uun loo riixayo,"" ayuu yiri Elsadig Elsheikh, oo ah agaasimaha barnaamijka caddaaladda adduunka ee machadka. ""Sida ay daraasaddeennu muujineyso, Islaam nacaybka ayaa saameyn ballaaran ku leh sida ay Muslimiintu ula macaamilaan bulshada, iyo caqabadaha ay kala kulmaan inay dareemaan inay bulshada ka tirsan yihiin,"" ayuu intaas ku daray. Ra'yi ururintan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dadka ay da'doodu u dhaxeyso 18 iyo 29 ay yihiin dadka inta badan la kulmay Islaam nacaybka, marka loo bar bar dhigo da'aadka kale, waxayna isla mar ahaantaas ku qasbanaadeen inay qariyaan diintooda si ay uga fogaadaan takoor, iyadoo 45 boqolkiiba ay sheegeen inay sidaas oo kale sameyn doonaan. Natiijooyinka daraasadda ayaa la daabacay dhowr toddobaad kaddib sanad-guuradii 20-aad ee weerarradii 9/11, oo kordhiyay cadowtooyada loo hayo Muslimiinta, iyo siyaasadaha dowladda ee lagu beegsanayo Muslimiinta. Elsheikh ayaa carrabaabay in Islaam nacaybku uu yahay wax dalkaasi ka jiray xitaa kahor weerarradaas. ""Waxaan ognahay in Islaam nacaybka uu taariikh dheer ku leeyahay Mareykanka, oo aysan soo bixin kaddib 9/11,"" ayuu yiri xilli uu Talaadadii la hadlayay guddiga ku dhawaaqayay natiijada. ""Islaam nacaybku keliya ma saameeyo Muslimiinta, balse bulshada Mareykanka guud ahaan ayuu saameeyaa."" Iyadoo natiijada ay soo bandhigeen Waaxda Baaritaanka Federaalka ee Mareykanka ay muujineyso in dembiyada nacaybka ku saleysan ee ku wajahan Muslimiinta ay hoos u dhaceen sanadihii la soo dhaafay, haddana kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa qaba feker taas ka duwan, iyagoo sheegay in Islaam nacaybka dalkaasi uu dhowaan kordhay. Golaha Xiriirka Islaamka Mareykanka (CAIR),oo taageeray daraasadda, ayaa horraantii sanadkan sheegay in in ka badan 500 oo dhacdooyin Muslimiinta ka dhan ah la soo weriyay bilihii ugu horreeyay ee sanadkan 2021. Dhacdooyinkan waxaa ka mid ah weerarro loo geystay shakhsiyaad iyo Masaajid, oo u muuqday inay kordhayeen bishii May, markii Israa'iil ay bilowday 11 maalmood howlgal ah oo a ka fulisay Gaza kaas oo ay ku dhinteen 248 Falastiiniyiin ah." https://www.bbc.com/somali/58778304 +religion Muslim iyo Hindu: 'Jihaadka Jaceylka' Kalgaceylkeena waa mid dhab ah "Dalka Hindiya, guurka dhexmaro dadka diimaha iyo dhaqamada kala duwan haysta, waxay la kulmaan cambaareyn xooggan iyo caqabado kale. Haddaba barnaamij cusub ee Instagram lagu baahiyo ayaa dhawaan u dabbaal dagay lammaane laba diimood kala haysta oo noolasha ku midoobay isla-markaana jabiyey darbigii, ""dhaqanka, diimaha iyo qabiilka"", ayey tiri Geeta Pandey oo BBC uga soo warranto Delhi. Qoysaska mayalka adag ee dalka Hindiya ku nool ayaan jacleyn ama aan soo dhaweyneyn guurka dhexmara dadka diinta iyo haybta ku kala duwan, balse sanadihi u dambeeyey wadahadallada iyo doodaha laga yeeshay arrintan ayaa bulshooyiin badan ka careysiisay. Inta badan waxaa arrintaasi si gaar ah loo dareemaa marka ay isguursadaan haweeney ka soo jeedda Hinduu iyo nin Muslim ah. Arrintan sida ay saameynta ugu yeelatay Hindiya waxay soo caan baxday bishii hore markii ay shirkad soo saarta waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan ay ka laabatay xayaysiis ay si wadajir ah u sameynayeen lammaanayaal diimo kala duwan haysta, ka dib marki ay kooxaha midigta-fog ee Hinduuga ay dagaal culus oo dhanka baraha bulshada ah ku qaadeen shirkaddaas. Xayaysiiska laga sameeyay haweeney ku dhow in ay dhasho oo u adeeganeyso cannugeeda dhalan raba, sidoo kalena ay xaflad u qabteen dumaashiyaasheeda iyo sodohdeeda oo Muslimiin ah. Waxaa xayeysiiskaas loo sameeyay shirkadda Tanishq oo ay leedahay Tetas oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee ka jira Hindiya oo loo yaqaanno Ekatvam oo micnaheedu yahay ""Midnimo"". Ujeedada xayeysiiska waxay ahayd xoojinta ""midnimada iyo kala duwanaashaha"", balse waxay ku dhammaatay inay abuurto fikrado iska soo horjeeda oo ku saabsan bulshooyinka Hindiya. Hinduuga mayalka adag waxay xayasiiska ku tilmaameen ""jeceyl jihaad"", iyaga oo ereygaasi Islaam neceybka ah adeegsanayo maadaamaa ay aaminsan yihiin in ninka Muslimka ah ee guursado gabar Hinduu ah inuu diinteeda ka saarayo. Olole dhanka baraha bulshada ka socday waxaa lagu sheegay in la joojinayo isticmaalka alaabada shirkaddaas xayaysiiska ay u sameeyeen lammaanaha kala diinta ah. Shirkadduna war qoraal ah oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in xayasiiski ay hawada ka saartay iyada oo wax weliba ka hormarineyso ammaanka shaqaalaheeda. Laba toddobaad kaddib marki xayasiiskaasi muran uu ka dhashay, lamaanayaasha kala ah Samar Halarnkar iyo Priya Ramani iyo qoraaga wargeyskooda ka shaqeeya Niloufer Venkataraman, waxay Instagram ka billaabeen Mashruuca Jaceylka Hindiya, iyaga oo dhiirragelinayo jaceylka dhaxmara dadyowga diimaha iyo haybta ku kala duwan, xilligan oo naceybka iyo kala qaybsanaanta ay bulshooyinka ka dhex taagan taha,y si midnimo loo helo. Mr Halarnkar wuxuu BBC u sheegay in ay ka fakarayeen ""hirgelinta mashruucan, in ka badan sannad,"" haddana waxaa mashruuca degdeg inaan u howlgelinno nagu kallifay khilaafki ka abuurmay xayaysiiska Tanishq. Annaga oo adeegsaneyno Mashruuca Jaceylka Hindiya, ""waxaan diyaarin doonnaa hannaan ay dadka sheekooyiinkooda ku soo bandhigi doonaan"", ayuu yiri. Laga billaabo 28-kii Oktober, barnaamijkan marki lagu billaabay sheekadii ugu horreysay ee hooyo Paris ka soo jeedda iyo S Venkatraman oo Hinduu ka soo jeeda, wixii ka dambeeyey maalin walba waxaa la daabacaa sheeka hor leh oo cusub. Mr Halarnkar, wuxuu yiri: ""Maalin weliba dadaal ayaan ugu jirnaa sidii aan u soo bandhigi lahayn sheekooyin cusub. Maalin walbana waxaa na soo gaaraya dad leh, oo inoo sheegaya 'waxaan dooneynaan inaan idinla wadaagno sheekooyinkannaga, kuwa waaliddiinteen ama awoowydadeey'. Waxay taa ina tusineysaa guurka dhexmara lammaanayaasha ku kala duwan diimaha ama haybta iney cusbayn oo muddooyiin horaba soo dhici jireen."" Wuxuuna intaa ku daray, ""iney hadda muhiimad gaar ah leedahay in arrintaas laga hadlo si ka duwan sidi hore."" Dala Hindiya, 90% guurka ka dhaca waxaa diyaariya qoyska lammaanaha iyaga oo ka eegaya dhinaca diimaha iyo haybta ay ka soo kala jeedaan iyo xitaa dabaqadda nolosha. Badanaa qofka malahan awood uu ku xusho qofka uu nolosha la wadaagi lahaa. Hay'adda Hindiya daraasaadka u qaabilsan waxay sheegtay in guurka dalkaasi ka dhaca dalkaas, boqolkiiba 5% oo keli ah ay yihiin kuwo hayb ama qabiil ku kala duwan, halka 2.2% ay ku kala duwan yihiin diimaha ay kala aaminsan yihiin. Lammaanayaasha isu guursada si ka baxsan xeyndaabkaasi dhaqanka Hindiya u yaalla, waxay la kulmayaan dhibaato iyaga oo marar qaar la dilo. Sanadihii u dambeeyey oo ay talada dalka Hindiya qabtay xisbi Hinduu oo mayal adag, kaas oo Hindiya ka helay taageero aad u badan, halka kala qaybsanaanta diimeed ee dalkaasina ay sii korodhay. Guurka dadka diimaha kala duwan haysta ee aadka loo dareemo ama sida weyn looga falceliyo waxaa ka mid ah marka ay isguursadaan Haweeney Hinduu ah iyo nin Muslim ah. Bishii Fabraayo, Mr Halarnkar wuxuu sheegay: ""Dowladda waxay baarlamaanka dalkaasi u sheegtay 'Jaceylka Jihaadka"" waxa lagu tilmaamay arrin aan boos ku lahayn dalkaas iyo in hay'adaha dowliga aan looga baahneen iney kiisaska noocaasi ah ka dhawaajiyaan. Maalmihi u dambeeyeyna, afar gobol uu ka taliyo xisbiga BJP waxay shaaciyeen inay qorsheynayaan inay soo saaraan shuruuc ay ku xakameynayaan ""bulshada iyo guurka noocaas ah"". Rupa, oo ka tirsan Hinduuga Brahmin, waxay wax ka qortay dareenka ay hooyadeed ka muujisay marki ugu horreysay oo ay u sheegtay inay guursaneyso Razi Abdi oo nin muslim ah. ""Hooyadey waxay tiri dalaaq, dalaaq, dalaaq, ayuu seddex jeer ku oran doonaa, wuuna ku soo ceyrin doonaa,"" iyaada oo ka welwlesan dhaqanka furitaanka muslimiinta qaar, oo xilliyadan dambe Hindiya laga mamnuucay. 30 sano ayaa Rupa iyo Razi guurkooda ka soo wareegtay. Waxayna isu dhaleen laba wiil, gurigoodana waxay ku wada xusaan ciidda Muslimka iyo ciidda Diwali ee Hinduuga. TM Veeraraghav oo saxaafadda u warramayey wuxuu sheegay: ""Gurigeena waa mid aysan diimaha ay kala aaminsan yihiin qiimo badan ku lahayn, oo wax weliba ay jaceylkooda ka hormariyaan."" ""Aniga khudaarta ayaan cunaa, iyaduna dookheyga cunnada wey ila jeceshahay weyna ixtiraameysaa. Crruurtana cuntada ay doonaan ha ahaato tan Muslimka ama tan Hinduuga ayey cunayaan. Barta Instagram-ka ee Mashuucan Jaceylka Hindiya looga talagalay laga wado, sidoo kale lagu soo bandhigo sheekooyiin kale oo ku saabsan lammaanayaasha diimaha ama haybta ku kala duwan ee noolasha wadaagay, ayaa si xowli ah u kobcaya." https://www.bbc.com/somali/war-54889496 +religion Hindiya: Nin muslim ah oo handadaad kala kulmay bariis uu kariyay Waxaa soo baxay oo ku baahay baraha bulshada muuqaal nin u hanjabaya dukaanle Muslim ah oo gadayay bariiska Biryani, xilli dadka Hinduga ay u dabaaldegayeen ciidda Diwali. Dukaanka ninka Muslimka uu leeyahay wuxuu ku yaallaa xaafadda Sant Nagar ee Burari ee Delhi. Sida laga soo xigtay wargeyska Times of India, muuqaalka waxaa laga arkay qof u hanjabaya ninkaas, kana careysnaa in uu dukaan ka ka furto goobtaasi. Booliska Delhi ayaana diiwaan geliyay dhacdada. Muuqaalkan, qofka u hanjabaya wuxuu magaciisa ku sheegay Naresh Kumar Suryavanshi, wuxuuna isku magacaabay inuu xubin ka yahay Bajrang Dal. Muqaalka, ayaa lagu arkay isagoo ugu hanjabaya shaqaalaha, weliba isticmaalayey hadallo adag. Hanjabadiisii ​​ka dib, milkiilihii dukaanka iyo shaqaalihiisii ​​ayaa isla markiiba xidhay dukaanka. Muuqaalka ayaa la duubay abbaare 9-kii fiidnimo ee Khamiista, kaas oo markii dambe si weyn ugu faafay baraha bulshada. Wargeyska wuxuu soo xigtay sarkaal sare oo sheegay in booliska Delhi ay ka diiwaan galiyeen kiis hoos yimaada qaybta 295A ee saldhiga bilayska ee Burari, kaas oo ay ku tilmaameen mid si weyn u dhaawacaya una kicinaya shucuur diimeed. Sida uu sarkaalka uu sheegay, 'waxaa socdo baaritaan lagu ogaanayo, laguna soo xirayo eedeysanaha. Hindiya waxaa ku nool Muslimiin aad u tiro badan. Tani waa tirada saddexaad ee Muslimiinta ugu badan ee waddan kasta oo adduunka ah. Kala duwanaanshiyaha lagu arko Muslimiinta Hindiyana laguma arko Muslimiinta waddan kale. 1,400 sano ee la soo dhaafay, Muslimiinta Hindiya waxay abuureen kuna noolaayeen taariikh wadaag ah oo cunto, gabayo, muusig, jacayl iyo cibaadaysi ah. Umadda Islaamka waxay midaysay dhammaan Muslimiinta Caalamka. Yacni, dhammaan waxay aaminsan yihiin waa isku mid. Laakin, sida Muslimiinta Hindida ay u kala qaybsan yihiin dhexdooda, waxay meesha ka saaraysaa mabda'a aasaasiga ah ee Islaamka. Muslimiinta Hindiya waxay u qaybsamaan Sunni, Shiico, Bohra, Axmadiya iyo qaar kale oo badan. Dhanka kale Muslimiinti Hindiya ayaa la kulma dhacdooyin cunsuriyadeed oo la mid ah tan oo kale. Mana ahan markii u horreysay ee uu soo shaac baxo fal xadgudub ku ah sharafta dad gaar ah oo ku nool Hindiya. https://www.bbc.com/somali/war-59202754 +religion Macallin ardaydiisa tusay kartoon laga sameeyay Nebi Maxamed NNKH oo shaqada laga joojiyay "Macallin ardayda tusay kartoon aan habboonayn oo laga Nebi Muxamed NNKH- oo dhaliyay dibadbaxyo ka dhacay banaanka iskuulka ayaa shaqada laga joojiyay. Sawirka ayaa loo adeegsaday cashar ka socday iskuulka Batley Grammar oo ku yaalla gobolka West Yorkshire Isniintii. Muuqaallo maalintii Khamiista, la soo geliyay internetka ayaa muujinaya tiro dad ah oo taagan banaanka iskuulka iyadoo qaarkood ay dalbanayeen in macallinka la ceyriyo. Dowladda ayaa sheegtay in aan marnaba la aqbali karin in ""la cabsi geliyo"" macallimiinta. Maamulaha iskuulka Gary Kibble ayaa raaligelin ka bixiyay isaga oo intaa ku daray in macallinka ay raalli gelinayaan isla markaana shaqada laga joojiyay inta ay socoto baaritaanka. ""Waxaan isla markiiba meesha ka saarnay barista maadadan, waxaana dib u eegaynaa sida aan horay ugu socon laahyn anagoo taageero ka helayna dhammaan jaaliyadaha ku matala dugsigeena,"" ayuu yiri. ""Waa muhiim inay carruurtu wax ka bartaan caqiidooyinka iyo waxay aaminsan yihiin, laakiin waa in lagu sameeyaa hab ka turjumeysa dareenka ay dadku ka qabi karaan mowduucyada qaar."" Afhayeen u hadlay Waaxda Waxbarashada ayaa yiri: ""Marnaba lama aqbali karo in la handado ama la cabsi geliyo macallimiinta."" Waxay sheegeen inay dhiirigalinayaan wadahadalada udhaxeeya iskuulada iyo waalidiinta markay arimuhu soo baxaan, iyagoo intaas ku daray: ""Si kastaba ha noqotee, nooca mudaharaadka ee aan aragnay, oo ay ku jiraan bixinta hanjabaadaha iyo ku xad gudubka tallaabooyinka lagu xakameynaya coronavirus, gabi ahaanba lama aqbali karo waana in la soo afjaro. Aayado ka mid ah Quraanka ayaa sheegaya in Allaah SW ama Muxammad NNKH midkoodna aan lagu matali karin sawir gacmeed iyadoo loo arko inay tahay aflagaaddo diini ah. Mid ka mid ah dibadbaxayaasha dadka deegaanka oo magiciisa ku sheegay Abdullahi, ayaa sheegay in kartoonka ay dhibsadeen ""dhammaan bulshada Muslimiinta ah"". Abdullah, oo BBC-da u sheegay in aanu waalid ahayn laakiin ay ehel ku leeyihiin iskuulka, ayaa sheegay in illaa 100 qof, oo ay ku jiraan arday, ay ka qaybgaleen bannaanbaxa. ""Waqtigan waa xilli aanan aamusi karin, waxaan u baahanahay inaan u istaagno oo aan u sheegno, maamulaha iyo guddiga iskuulka, in tani aysan aheyn wax fudud. Waxaa jira khad aadan ka gudbi karin"", ayuu yidhi. Mid ka mid ah waalidiintii ku suganaa banaanka iskuulka ayaa u sheegtay BBC Radio Leeds inay ka xumaatay in sawir gacmeedka la soo tuso ardeyda, laakiin kuma aysan raacsaneyn banaanbaxa, iyadoo sheegtay inay tahay ""cabsi galin"". Hooyo kale ayaa sheegtay in adeegsiga walxahaasi ay ahayd ""mid ka baxsan nidaamka oo aan la aqbali karin"" waxayna sheegtay suurtagalnimada ah in ilmaheeda ay ka saarto iskuulka. Dr Abdul Shaikh, oo ah aqoonyahan ka tirsan bulshada Muslimiinta oo ku sugan Batley ayaa wakaaladda wararka PA u sheegay: ""Waxaan uga naxay si la mid ah sida muslimiinta kale."" Afhayeen u hadlay booliska West Yorkshire ayaa sheegay in wadada u dhow iskuulka ay xirneyd mudo kooban intii uu socday mudaharaadka. Iskuulka Batley Grammar waxaa dhiganaysay 689 arday, kuwaas oo ku dhowaad saddex meelood meel ay ka soo jeedaan qowmiyadaha laga tirada badan yahay." https://www.bbc.com/somali/war-56547906 +religion Waa la garaacay waxaana loo bahdilay diintiisa Islaamka darteed "Weerarro aan ujeeddadooda la garaneyn oo ay burcadda Hinduuga ku qaadayaan Muslimiinta dalkaas ayaa caado ka noqday Hindiya, balse arrintaasi inta badan kama hadasho dowladda Hindiya. Bishii la soo dhaafay, muuqaal baraha bulshada ku baahay ayaa muujinayay gabar yar oo argagaxsan oo ku dheggan aabbaheed oo Muslim ah, iyadoo ay burcad Hinduu ah ay garaacayeen. Muuqaalkan naxdinta leh ayaa muujinaya ninkan 45 sano jirka ah oo dareewal ah oo lagu jirdilayo waddooyinka Kanpur, magaalo ka tirsan gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Uttar Pradesh, iyadoo gabadhiisa oo oyneysa ay ka baryeysay in burcadda ay garaaca ka joojiyaan aabbaheed. Burcadda ayaa ninka ku amartay inuu ku heeso ""Hindustan Zindabad"" ama ""Hindiya Jir"" iyo ""Jai Shri Ram"" ama ""Guul Ram"" - oo ah salaan caan ah oo ay beryahan Hinduuda si kale u adeegsadaan. Wuu u hoggaansamay amarkooda, balse burcadda ayaa weli garaaca ku wadday. Ninkan iyo gabadhiisa ayaa waxaa markii dambe badbaadiyay booliiska. Saddex nin oo loo xiray weerarka ayaa maalin kaddib damaanad lagu sii daayay. Maalmo yar kaddib, muuqaal kale oo aad la iskula wadaagay ayaa soo baxay kaas oo muujinaya nin Muslim ah oo jijimo iibinaya oo la dharbaaxayo, la haraatinayo ayna feerayaan burcad Hinduu ah oo ku sugan Indore, oo ah magalo ku taalla gobolka bartamaha ku yaalla ee Madhya Pradesh. Burcadda ayaa la maqli karay iyaga oo ceynaya Tasleem Cali una sheegaya inuu mustaqbalka ka fogaado deegaannada Hinduuda. Dacwad uu booliiska u gudbiyay, ayuu markii dambe ku sheegay inay ""garaaceen shan nin oo qowmiyaddiisa ceynayay kuna heystay inuu jijimo ku iibinayay deegaan ay Hinduuda ku badan tahay ayna ka dhaceen lacag, telefoonkiisa iyo dokumentiyaashiisa"". Balse arrinta ayaa si kale isku beddeshay, Ali ayaa qudhiisa la xiray maalintii kale kaddib markii gabar 13 jir ah oo uu dhalay mid ka mid ah ragga la sheegay inay isaga weerareen ay ku eedeysay inuu kufsaday. Qoyskiisa iyo deriska ayaa arrintaasi si xooggan u beeniyay eedeynta. Waxay sheegeen in wax macquul ah aysan ahayn in aabbe dhalay shan gabdhood uu sidaas sameeyo. Goobjooge, ay soo xigteen warbaahinta Hindida, ayaa sheegay in ninkaasi loo beegsaday sababo la xiriira diintiisa, isla markaana eedeynta kufsiga ay tahay wax la soo maleegay. Labada weerar ayaa ka mid ah dhowr lagu beegsanayo Muslimiinta oo dhacay bishii ina dhaaftay ee August, balse bishaasi waxay ahayd tii dhacdooyinka ugu xun ay soo mareen kooxda ugu weyn kuwa dhanka diinta looga tirada badan yahay ee Hindiya oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso 200 million. Weerarro kuwaas la mid ah ayaa la sheegay inay dhaceen bilihii xigay, qaar badan ayaana soo jiitay indhaha caalamka. ""Rabshaduhu way sii xoogeysanayaan. Waana kuwo daran oo aan la aqbali karin,"" ayuu yiri Alishan Jafri, oo ah weriye madax bannaan oo saddexdii sano ee la soo dhaafay diwaan gelinayay weerarrada lagu beegsado Hinduuda Muslimiinta ah. Wuxuu sheegay inuu arkayay ""saddex ilaa afar muuqaal maalin walba"" balse uu awooday inuu xaqiijiyo keliya hal ama labo kaddibna uu ku soo wadaagayay baraha bulshada. Rabshadaha la xiriira diinta ayaa in muddo ah ka jiray Hindiya, balse dadka arrimahan cambaareeya ayaa sheegaya in rabshadaha Muslim nacaybka ay kordheen tan iyo sanadkii 2014 oo ay dalkaasi ka taliso dowladda Ra'iisul Wasaare Narendra Modi. ""Qalalaasaha qowmiyadeed maaha kuwo cusub, balse waxay ku sii kordhaan istaraatiijiyadda kuwa xilka haya,"" ayuu BBC-da u sheegay bare Tanvir Aeijaz, oo sayniska siyaasadda ka dhiga Jaamacadda Delhi. ""Is aaminaad darrada mar walba way taagneyd balse hadda waxaa ka sii daray is xigsiga diinta iyo isirka."" Markii ugu horreysay ee uu Modi talada qabsaday, waxaa jiray dhacdooyin badan oo weerarro loo geysanayo Muslimiinta ah, iyagoo loo heystay inay cuneen hilibka lo'da, amaba ay isku dayayeen inay dalka soo geliyaan lo'da - oo ay Hinduu badan u yaqaannaan inay barakeysan tahay - si ay u gowracaan Ra'iisul Wasaaraha ma uusan taageerin weerarradaas, balse waxaa lagu cambaareeyay inuusan si degdeg ah oo xoog leh u cambaareyn. Prakash Javadekar,oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan xisbiga BJP, ayaa BBC-da u sheegay in dowladdu ay rumeysan tahay in arrintaasi aysan habbooneyn meel walba oo ay ka dhacdaba, balse aysan jriin isla xisaabtan. Wuxuu haddana ku eedeeyay warbaahinta inaysan daacad ka ahayn arrintaas, oo ay diiradda saarayaan weerarrada Muslimiinta. ""Haddii aad eedgto xogta rasmiga ah, 160 Hinduu ah ayaa ku jiray 200 oo qof oo la bartilmaameedsaday. Dadka heysta diimaha dhammaan waa la beegsaday,"" ayuu yiri, balse ma uusan faahfaahin halka xogtaas laga helay. Hindiya ma aysan shaacin xog noocaas ah. Sanadkii 2019, bar internet-ka ah oo baarta xogta ""dembiyada nacaybka"" ee ka dhaca Hindiya ayaa tebisay in in ka badan 90% dhibbanayaasha 10-kii sano ee la soo dhaafay ay Muslimiin ahaayeen. Dadkii ka dambeeyay tacaddiyadaas ayaanan marin wax ciqaab ah iyadoo ay jiraan eedeymo ku saabsan inay dabacsanaan ka helayaan Xisbiga Bharatiya Janata ee Modi, kaddib markii wasiir dowladda ka tirsan uu la saftay siddeed Hinduu ah oo loo heystay inay bartilmaameedsadeen nin Muslim ah. ""Weerarradaas oo kale ayaa ku soo batay dalkeenna maanta sababtuna waa xasaanadda ay ku naaloonayaan tuugadaas,"" ayuu yiri Hasiba Amin, oo ka tirsan xisbiga Kongareeska ee mucaaradka ah. ""Maanta nacaybku wuu batay. Way fududdahay in la weeraro Muslimiinta. Kuwa nacaybka fidinaya waa kuwa lagu abaal mariyo ficilladooda."" Mucaaradka ayaa sheegaya in ku soo laabashada Modi ee talada dalkaas sanadkii 2019, ay xitaa sii kordheen qalalaasaha ka dhanka ah Muslimiinta. Mararka qaar, rabshadaha xitaa ma aha kuwo muuqda waxayna u dhacaan qaab looga gol leeyahay in lagu bahdilayo qowmiyadda laga tirada badan yahay. Tusaale ahaan: Bilihii la soo dhaafay, dhow gobol ayaa soo saaray shuruuc wax looga qabanayo ""jihaadka jaceylka"" - eray Islaam nacayb ah oo ay kooxaha Hinduuda ah u adeegsadaan ragga Muslimiinta ah ee guursada gabdhaha Hinduuga ah isla markaana soo Muslimiya. Shuruucdaas ayaa loo adeegsaday in lagu dhibaateeyo oo lagu xiro ragga Muslimiinta ah ee xiriirka uu kala dhaxeeyo haweenka Hinduuga ah. Bishii December ee sanadkii hore, waxaa indhaha caalamka soo jiitay codsiga gabar Hinduu ah oo uur leh oo laga kaxeeyay ninkeeda oo Muslim ah. Haweenka Muslimiinta ah xitaa lama deyn - bishii July, qaar badan ayaa iska dhex arkay baraha online-ka iyaga oo la iibinayo. Bishii la soo dhaafayna, kuwo ka qeyb galayay isu soo bax uu soo qabanqaabiyay hoggaamiye hore oo BJP ka tirsanaa oo ka dhacay Delhi, ayaa waxaa lagu dhawaaqayay baaqyo ku aaddan in la dilo Muslimiinta." https://www.bbc.com/somali/war-58431240 +religion Faysal Khan iyo Hindiya: Waa kuma Sheekhan salaadda ku tukaday macbadka Hindu-ga ee ka dibna la xiray "Nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo lagu magacaabo Faysal Khan ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay in uu salaad ku dhex tukaday mandar ama macbad ay Hindu-ga leeyihiin oo ku yaalla deegaan lagu magacaabo Mathura ee gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya. Dhowaan ayaa laga gudbiyay dacwad ka dhan ah Faysal khan iyo seddax qof oo kale oo la socotay oo salaadda ku tukaday macbadka 29-kii bishii October. Kiiska dacwadda wuxuu la xiriiraa in Faysal iyo Chand Muhammad ay dad kale salaad ku tujiyeen macbadka Nandababa ee degmada Mathura. Xilligaas waxaa kaloo la socday Nilesh Gupta iyo Alok Ratan oo ka mid ah dadka ay isla shaqeeyaan. Raggan oo ka safray magaalada Delhi waxay Mathura u tageen in ay la kulmaan baadariyaal iyo dad kale iyo in arrimo diini ah ay uga hadlaan Mandarka Nandababa temple. Faysal Khan, ka hor intii aan la xirin, wuxuu BBC u sheegay, ""Waxaan booqanay goobo 84 ah. Ka dib markii aan dhameynay kulamada, waxaan aadnay macbadka Nandababa. Ka dib markii wadaadka uu noo ogolaaday, waan waysaysanay waana tukanay. Balse hadda waxaan oganay in dacwad na laga gudbiyay"". ""Xilligii aan tukaneynay Wadaadadii Mandarka way nagu faraxsanaayeen, waxay ahaayeen rag jaceyl horey u socodka, waan hubaa in cadaadis ay la kulmayaan."" Sushil Goswami, oo ka tirsan shaqaalaha Nanda Baba temple, wuxuu BBC u sheegay in iyaga ay u ogolaadeen raggan in halkaa ay ku tukadaan, balse sawirkii laga qaaday ayaa baahay, waxaana ka carooday dad badan oo deegaanka ah. Sushil Goswami wuxuu yiri: ""Faysal Khan wuxuu isku tilmaamay maskaxda isu soo dhoweyneysa labada diimood. Markii uu tukaday, wuxuu iska qaaday sawir isagoo joogay meel u dhow albaabka. Ma sheegi karin in uu meeshaas ka aadimay ama uu sawir keli ah iskaga qaaday"". ""Markii sawirka uu ku faafay baraha bulshada ayaan ogaanay dhacdada. Waxaa ka cadhooday bulshada Goswami. Waxaan hadda dalbaneynaa in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo dhacdada,"" ayuu hadalka ku sii daray. Faysal Khan iyo raggii la socday waxaa lala xiriiriyaa dhaqdhaqaaq bulsho oo lagu magacaabo 'Khudai Khidmatgar'. Khudai Khidmatgar waa hay'ad aan dowli ahayn oo ka dhisan Delhi taas oo sheegtay in ay ka shaqeyso nabadda, walaaltinimada iyo isu dulqaadashada bulshooyiinka. Afhayeenka hay'adda, Pawan Yadav, wuxuu sheegay in ay dadaal badan geliyaan sidii ay isugu soo dhoweyn lahaayeen bulshooyiinka haysta diimaha kala duwan, iyo in ay arrintaa dhiirageliyaan. Faysal Khan iyo asxaabtiisa waxay hay'addan Khudai Khidmatgar Sangathan billaabeen sannadkii 2011-kii, waxayna sheegeen in ay faafiyaan farriimaha is dhexgalka iyo is jaceylka bulshooyiinka, taasna ay tahay ujeedadooda ugu horreysa. Hay'ad isla magacaa Khudai Khidmatgar wadatay waxaa sannadkii 1929 aasaasay hoggaamiye la socday Gandhi oo lagu magacaabay Khan Abdul Ghaffar Khan. Xilligaas waxaa socday ololihii xuriyad doonkii Hindiya. Faysal Khan wuxuu sheegay in ujeedada hay'addan ay tahay mid la mid ah tii hore. Faysal Khan, oo 48 sano jir ah, wuxuu ka soo jeedaa deegaanka Kayamganj ee degmada Farrukhaba oo ka tirsan gobolka Utter Pradesh. Wuxuu wax ka bartay Jaamacadda Islaamiga ah ee Aligarh Muslim, ka dib wuxuu noqday qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada. Xilligii uu jaamacadda dhiganayay wuxuu ku biiray dadkii bulshada u dhaqdhaqaaqayay sida Medha Patekar iyo Dr Sandeep Pandey. Pawan Yadav, oo saaxiib dhow la ah Faysal wuxuu yiri: ""Walaalahan Faysal iyo Dr. Sandeep Pandey, waxay ka mid ahaayeen koox u safartay Lahore si ay bulshada iyo diimaha isugu soo dhoweeyaan, sannadkii 1990-maadkii. Faysal ayaa sidoo kale ka mid noqday dhaqdhaqaaqyo kale oo kala duwan oo arrimaha bulshada la xiriira. ""Ka dib, sannadkii 2011-kii, wuxuu aasaasay Khudai Khidmatgar Sanstha, si bulshada uu ugu adeego, sidoo kale waxay hay'addiisa qabataa kulamo. Waxaa xubno firfircoon ka ah illaa 70 qof "", ayuu yiri ninkaa ay sida weyn isugu dhow yihiin. Faysal Khan wuxuu hadda ku nool yahay aagga Jamia Nagar ee Delhi, waxaana la xiray Isniintii. Sannadkii 2015-kii, Faysal wuxuu xaafad lagu magacaabo Ghaffar Manzil, ka dhisay guri wayn oo lagu magacaabo 'Sabka Ghar' kaas oo ay ku wada nool yihiin dad haysta diimo kala duwan. Dadkaas islama noola oo keli ah, balse waxay xitaa wadaagaan dabaaldegyada iyo xafladaha iyagoo raacaya diinta ay aaminsan yihiin. Dr. Kush Kumar oo ay isla shaqeeyaan Faysal, isuna raacaan meel kasta, wuxuu BBC u sheegay: ""Faysal Bhai waxaan la kulmay xilli aan daweynayay bukaan. Ka dib waxaan ogaaday in uu bulshada u dhaqdhaqaaqo. Waan arkay shaqadiisa waxaana ogaaday in isaga iyo hay'adda ay shaqo fiican hayaan. Ma jirto arrin ay gacmaha ka laabanayaan gaar ahaan in kalgacayl laga dhex abuuro bulshada. Markii ay dib u soo celinayeen Khudai Khidgatgar, waan la joogay"". Dr Kush wuxuu sheegay in la cambaareeyo in raggan ay Mandar ku dhex tukadeen ay sabab u tahay in dadka aysan la qabsan iyo in ay fahamkooda dhaafsiisan tahay. Waxa keliya ee aan ka shaqeyneyno waa isu soo dhoweyn. Sida uu dhaqtarkaas sheegay, Faysal wuxuu korka ka xifdiyay dhammaan diimaha iyo waxa ay dhigayaan. Sidoo kale waa xaafidul-Quraan. Faysal Khan wuxuu si aad ah ugu dhex safray Hindiya, sidoo kale wuxuu booqday dalal kale, wuxuuna intaa ka shaqeynayay arrimaha bulshada. Kush wuxuu sheegayaan in Faysal uu yahay tusaalaha bulshada iyo is dhexgalkeeda, wuxuuna isu keenaa dad kala aaminsan caqiidooyiin kala duwan, sida dabaaldegyada Holi, Diwali, Ciid, Christmas. Dr Kush wuxuu beeniyay in ay jirto meel ka baxsan Hindiya oo Faysal uu dhaqaale ka helo. Lacagta waxaa ku tabaruca shaqaalaha hay'adda ka tirsan iyo dad kale oo sadaqeysta, sida uu aaminsan yahay. Wuxuu afhayeenka hay'addaas, Pawan Yadav, sheegay in aysan jirin meel kale oo shilin lacag ah ay ka helaan. Sidoo kale, waxaa horey u jiray kiisas dacwo ah oo laga gudbiyay Faysal iyo hay'addiisa. Sannadkii la soo dhaafay, xilli uu safar usii ahaa Kashmiir, waxaa laga soo celiyay garoonka diyaaradaha, waxaana loo diiday in uu halkaas aado. Xilligaas waxaa la socday dad kale sida Dr. Sandeep Pandey. Dhammaantoodna waa loo diiday in ay Kashmiir u safraan." https://www.bbc.com/somali/war-54796522 +religion Yogi Adityanath: ‘Muslimiinta asxaan ugumaysan sameyn Hindiya inay halkan joogaan’ "Muslimiinta doortay inay joogaa waddanka Hindiya markii la kala qeybinayay kaddib xorriyaddii ay ka heleen Britain ayaanan dalka ""u samayn wax asxaan ah"", Yogi Adityanath, oo ka mid siyaasiyiinta khilaafka kiciya ee xisbiga midig-dhexe, ayaa sidaasi sheegay. ""Waxa ay aheyd inay ka soo horjeestaan qeybintaas, taas oo horseedday in la sameeyo dalka Pakistan,"" ayuu u sheegay weriyaha BBCda laanta af Hindiga, Nitin Srivastava, kaas oo la yeeshay wareysi gaar ah. Mr Adityanath waa wasiirka ugu sarreeya gobolka waqooyiga dalkaas ku yaal ee Uttar Pradesh, kaas oo ah gobolka ugu dadka badan Hindiya halkaas oo sidoo kale ay deggan yihiin afar meelood oo meel Muslimiinta dalkaas ee gaaraya 200 ee milyan. Sidoo kale waa hogaamiye sare oo ka tirsan xisbiga haya talada dalkaas ee Bharatiya Janata, kaas oo uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Narendra Modi. Dowladdiisa ayaa dhawaantan waxaa lagu eedeeyay in ay awood xad dhaaf ah u isticmaashay dibadbaxayaasha, gaar ahaan Muslimiinta, ka soo horjeeday sharciga cusub ee muwaadinnimada ee muranka badan dhaliyay. Hasayeeshee Mr Adityanath ayaa waxa uu diidday eedaha baahsan, iyadoo eedahaas loo hayo caddeymo muuqda. 47 jirkan madaxda ka ah mac-badka Hinduuga ee saameynta badan ayaa inta badan kiciya arrimo dood keena - warbaahinta ayuu ku soo baxay markii uu jeediyay hadal kakan oo badanaa uu ku beegsado Muslimiinta. Hadalladiisase waxa ay bateen intii ay socdeen dibadbaxyada loogaga soo horjeeday dowladda ee ka dhashay sharciga muwaadinnimada. Sharcigu waxa uu cafis u fidinayaa dadka aan Muslimiinta ahayn ee ka soo haajira waddanka Pakistan, Bangladesh iyo Afghanistan. Waxaa lagu dhaliilay in lagu bartilmaameedsaday Muslimiinta, hasayeeshee dowladda Modi ayaa ku adkaysanaysa in aanay waxaas samayn, balse ay doonayso oo kaliya inay ku aqoonsato muhaajiriinta aan sharciga dalka ku joogin. Hasayeeshee sharciga ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran oo dhacay bishii Diseembar, kuwaas oo ay ku jiraan dibadbaxyo dadku ay fariisimo ay fadhiistaan ku sameysteen, oo qaarkood weli sii socdaba. Midka ugu caansanna waa midka xaafadda Shaheen Bagh ee Delhi, halkaas oo boqolaal haween Muslimiin ah ay muddo bil ka badan fadhiyaan si ay arrintaas uga soo horjeestaan. Isagoo si dadban uga hadlayay dibadbaxayaasha ku sugan Shaheen Bagh, ayuu wasiirka koobaad waxa uu BBCda u sheegay: ""Rag hal bulsho ka soo jeeda, kuwaas oo khaa'imiin ah, ayaa fadhiya si ay u qariyaan waxa ay sameeyeen, waxa ay guryaha ka soo saarayaan haweenka iyo carruurta si ay uga dibadbaxaan sharcigan."" Walow uu aqbalay in ""qofwalba uu xaq u leeyahay inuu si nabad ah ugu dibadbaxo gudaha waddanka Hindiya"", ayaa haddana waxa uu ku andacooday in dibadbaxa Shaheen Bagh ""uusan ahayn mid nada ah, uuna dhibaato ku keenayo dadka deegaanka iyo kuwa deegaankaas ku socdaalaya"". Dibadbaxu waxa uu ahaa mid nabad ah, hasayeeshee goobta uu ka dhacaayo oo ay ku yaallaan qaar ka mid ah waddooyinka ugu waa weyn Delhi ayaa waxa ay horseedeen saxmad ballaaran, walow dibadbaxayaasha ay u ogolaadeen inay maraan gawaarida xaaladaha degdega ah ka shaqeeya. Hasayeeshee ma ahan markii ugu horraysay oo uu Mr Adiyanath uu ka hadlay dibadbaxyada ka soconaya Shaheen Bagh. Intii uu socday wareysiga, waxa uu ku celceliyay eedo uu u jeediyay Arvind Kejriwal, wasiirka koobaad ee caasimadda qaranka, Delhi: taas oo ah in uu ""biryani siiyo boqollaal dibadbaxayaal ah oo isugu jira haween iyo carruur"", biryani waa bariis aad looga yaqaan dalkaas oo ay Muslimiintu karsadaan. Taasi waa eed uu jeediyay mar uu waday olole uu Sabtidii ku qabtay Delhi oo ku aaddan doorashada gobolkaasi, halkaas oo uu baaq ugu diriyay Hinduuga ay wadaniyadda ku dheer tahay, isagoo weerrar afka ah ku qaaday dalka dariska ah ee Pakistan. Mr Kejrwal, oo aad uga soo horjeeda xisbiga BJP iyo Mr Modi, ayaa u tartamaya in dib loo soo doorto. Xisbigiisa ayaa guul muhiim ah gaaray 2015, iyadoo uu ka adkaaday dhammaan mucaaradka oo uu ku jiro BJP. ""Biryani ma cunno"", Mr Adityanath ayaa sidaasi ka sheegay olole doorasho, isagoo intaas ku daray in kaddib markii uu Ra'iisu Wasaare noqday Mr Mudi uu ""argagixisada xabbad la dhacayay intii uu biryani siin lahaa."" Waxa uu BBCda u sheegay in bayaankaas uu yiri oo uusan ka laabanayn. Dibadbaxyada loogaga soo horjeedo sharciga muwaadinnimada ayaa waxaa ku dhaawacmay boqollaal qof dad badan oo kalana waa ay ku dhinteen xilli ay socdeen isku dhacyo dhexmaray booliska iyo dadka dibadbaxayay. Dibadbaxayaashuna waxa ay badanaa booliska ku eedaynayeen inay u isticmaalayaan awood xad dhaaf ah. Eedaha ugu badanna ee ugu kulul waxaa loo jeediyay gobolka Uttar Pradesh-ka Mr Adityanath, halkaas oo ay dibadbaxyadu ku dhinteen ugu yaraan 19 qof. Waxaa jiray warbixinno badan oo tilmaamayay cabsigalin iyo hanjabaad ka dhan ah Muslimiinta - muuqaallo laga soo duubay magaalada Kanpur ayaa muujinaya boolis burburinaya gawaari iyo guryo ku yaal meel ay Muslimiintu - ku badan yihiin. Kumannaan qof oo u badan rag Muslimiin ah ayaa guud ahaan gobolkaasi lagu xiray. BBCda ayaa dhacdooyin noocaas oo kale ah ka soo tabisay magaalooyin kale. Mr Adityanath ayaa ku qancay in la xabadeeyo ""dibadbaxayaasha qulqulatada wada"", halka uu diiday eedaha booliska loo jeediyay ee ah inay awood u isticmaaleen dibadbaxayaal nabad u bannaanbaxayay. Waxa uu sheegay, ""rag hubaysan, oo ah burcad rabshad wada ayey la tacaaleen boolisku markii ay bilaabeen inay waxyeeleeyaan hantida dadweynaha"". Mar la waydiiyay inuu amri lahaa in tallaabo laga qaado dibadbaxayaasha , ayuu yiri, ""Haa, haddii ay waxyeeleeyaan hantida dadweynaha iyagoo sharci diiddan, kaas oo aan cidna xagaldaacinayn."" Dowladdiisa ayaa waxaa lagu eedeeyay dilal aan loo meeldayin tan iyo markii uu Mr Adityanath uu awoodda qabsaday bishii Maarso 2017, eeddaas oo uu iska fogeeyay." https://www.bbc.com/somali/war-51420676 +religion Cunugga ceelka ku dhex jira ee looga duceynayo masaajiddada iyo kaniisadaha Waxaa maalintii afaraad ku jira howlgal aad u ballaaran oo lagu doonayo in lagu badbaadiyo cunug yar oo ku dhex xayiran ceel ku yaalla dalka Hindiya. Sujith Wilson, oo labo sano jir ah ayaa markii ugu horreysay ceelka uga xayirmay meel dhexe oo qiyaastii 10m (30ft) ah, balse wuxuu markii dambe hoos ugu sii dhex dhacay godkaas oo qodan ilaa 180m, kuna yaalla gobolka Tamil Nadu. Kooxaha gurmadka ayaa isku dayaya inay neef siiyaan cunugga ceelka ku jira, hase ahaatee carrada qoyan ee darbiyada ceelka ku dhaggan ayaa xayireysa inay hawada hoos u dhaadhacdo. Waxay hadda isticmaalayaan qalab waaweyn oo ay ku qodayaan god kale oo laga garab sameynayo ceelka uu cunugga ku dhacay. Sujith ayaa ceelkaas ku dhacay maalintii Jimcada, xilli uu la ciyaarayay carruur kale oo saaxiibbadiis ah. Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo tabisay in hooyadiis, oo ku sugan ceelka dushiisa, ay u qeylineyso wiilkeeda, iyadoo ka codsaneysa inuusan oynin. Markii ugu horreysay ee uu howlgalka billaabanayay ayaa sidoo kale la arkayay iyadoo diyaarineysa xarko ay rajeyneysay in cunuggeeda dibadda loogu soo saari karo. Hindiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay looga dabaaldagayay munaasabadda Diwali-ga, sheekada cunuga yarna waxay ku faaftay baraha bulshada, waxayna soo jiidatay indhaha shacab farabadan. Ducooyin ayaa wiilka ceelka ku jira loogu qabtay masaajidyada, kaniisadaha iyo macbadyada kale ee ku yaalla guud ahaan gobolka. Waxay dadka oo dhan ku duceynayaan inuu si nabad ah kusoo laabto. Maanta oo Isniin ah, Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku muujiyay walaaca uu ka qabo xaaladda cunuggaas. Axaddii shalay, god labaad ayaa laga garab qoday ceelka ka dib markii lagu guul darreystay godkii hore. Dhulka laga qodayo godadka ayaa aad u adag, waxaana loo adeegsanayaa baldoosarro awood badan. Warbaahinta maxalliga ah ayaa baraha bulshada ku shaaciyay in qodka cusub ee la qodayo uu ku socdo gaabis. Isku dayo hore oo lagu damcay in cunugga xarigyo looga soo saaro ceelka ayaa guul darreystay. Saraakiil lagu soo xigtay warbaahinta ayaa sheegay in kaamirooyin ceelka hoos loogu dhaadhiciyay lagu maqlay cunugga oo neefsanaya. Bishii June ee sanadkan, cunug yar oo isla sidan oo kale ugu dhex dhacay ceel ayaa ku geeriyooday gobolka Punjab, inkastoo howlgal labo maalmood socday looga soo saaray ceelka. Waxaa jiray baaqyo ku aaddanaa in la ganaaxo dadka ceelasha aan la isticmaalin ka taga iyagoo aan aasin. https://www.bbc.com/somali/war-50211136 +religion Nin Muslim ah oo loo xiray 'sharciga jihaadka jaceylka' ee Hindiya "Booliiska gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya ayaa xiray nin Muslim ah oo la sheegay inuu isku dayay inuu soo islaamiyo haweeney Hindu ah. Wuxuu noqonayaa qofki ugu horreeyay ee uu qabto sharciga cusub ee ka dhanka ah in qofka laga beddelo diintiisa kaas oo beegsanaya ""jihaadka jaceylka"" - oo ah hal ku dhig ay kooxaha xagjirka Hinduuga u adeegsadaan in ragga Muslimiinta ah ay ku eedeeyaan inay muslimiyaan haweenka Hinduuga ah marka ay guursanayaan. Sharciga ayaa waxaa ka dhashay caro, iyada oo dadka ka soo horjeeda ay ku tilmaameen mid ka dhan ah Islaamka. Ugu yaraan afar kale oo gobol oo dalkaas ka tirsan ayaa soo saaraya shuruuc ka dhan ah ""jihaadka jaceylka"". Booliiska degmada Bareilly ee gobolka Uttar Pradesh ayaa shalay barta Twitter-ka ku xaqiijiyay xiritaanka ninkaas. Dacwad uu toddobaadkii hore gudbiyay aabbaha haweeneyda ayaa wuxuu ninka ku eedeeyay inuu gabadhiisa ku cadaadiyay inay muslimto isagoo ugu hanjabay inuu nafteeda khatar gelin doono haddii ay sidaas sameyn weydo. Haweeneyda ayaa la sheegay inay xiriir la lahayd ninka balse ay horraantii sanadkan guursatay nin kale. Kaddib markii la xiray shalay, ninka ayaa loo diray muddo 14 maalmood oo xabsi ah. Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuusan waxba ka ogeyn isla markaana uusan ""wax xiriir ah la lahayn haweeneyda"". Sharciga cusub wuxuu dhigayaa xabsi ilaa 10 sano ah qofkana laguma deyn karo damaanad. Bishii November, Uttar Pradesh ayaa noqday gobolkii ugu horreeyay ee meel mariya sharci ka dhan ah in qofka si qasab ah looga beddelo diintiisa. Balse ma noqon doono ki ugu dambeeyay iyadoo ugu yaraan afar gobol oo kale - Madhya Pradesh, Haryana, Karnataka iyo Assam - ay sheegeen inay soo saari doonaan shuruuc ka dhan ah ""jihaadka jaceylka"". Dhammaan shanta gobol waxaa maamula xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP), oo lagu eedeeyay inuu wax caadi ah ka dhigay carada ka dhanka ah Muslimiinta. Dadka cambaareeya ayaa ku tilmaamay mid aan habbooneyn, iyadoo dad badan ay ka walaacsan yihiin in shuruucda noocan oo kale ah ay horseedi doonaan in si xun loo adeegsado iyo tacaddiyo maaddaama ""jihaadka jaceylka"" mar walba loo arkayay inuu yahay hal ku dhig ay adeegsadaan kooxaha garabka midig ee xagjiriinta Hinduuga. Ma aha hal ku dhig uu si rasmi ah u aqoonsan yahay sharciga Hindiya. Balse warbaahinta ayuu qabsaday bilihii la soo dhaafay - bishii October, dukaan caan ah oo lagu iibiyo waxyaabaha la xirto ee la isku qurxiyo ayaa ka laabtay xayeysiin ku saabsaneyd lammaane labo diin heysta kaddib markii kooxda xagjiriinta Hinduuga ay ku eedeeyeen inay buunbuuninayaan ""jihaadka jaceylka"". Kaddibna bishii November, maamulka ayaa isla arrintaas ku eedeeyay shirkadda Netflix, iyagoo u jeeda qeyb ka mid ah, filimka A Suitable Boy (wiil ku habboon), halkaas oo haweeney Hindu ah iyo nin Muslim ah ay isku dhunkanayaan iyadoo kaamiradana ay qabaneyso macbad Hindu ah. Wasiirka Madhya Pradesh, Narottam Mishra, ayaa sheegay inay sababtay ""caro diimeed"" isla markaana lagu amray saraakiisa inay ka fekeraan tallaabo sharci ah oo laga qaado soo saaraha iyo agaasimaha filimkaas. Dadka cambaareeya xisbiga BJP ayaa sheegay inuu tooshka ku ifiyay arrimaha diinta quseeya tan iyo intii uu Ra`iisul Wasaare Narendra Modi xilka qabtay sanadkii 2014. Guurka dhex mara Hinduuda iyo Muslimiinta waa mid soo jireen ah, laakiin tallaabooyinka ka dhan ah waa kuwo soo badanayay dhowaan." https://www.bbc.com/somali/war-55157528 +religion Coronavirus: Muslimiinta ku dhimata Kenya sidee loo aasayaa? "Guddi ka kooban golaha sare ee muslimiinta Kenya, Dalladda imaamyada, Dhakhaatiirta muslimiinta ayaa ka shaqeynaya aaska dadka muslimiinta ah Kenya ugu dhinta xanuunka coronavirus. Dhismaha guddigan waxaa iska kaashaday dowladda Kenya iyo muslimiinta ku nool waddanka qeybihiisa kala duwan. Maalintii Isniinta, ee 13-ka bisha April, waxaa Nairobi lagu aasay ninkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee Kenya ugu geeriyooday cudurka. Sheekh Maxamed Shariif Cabdiwahaab, oo ah imaamka iyo khadhiibka Masjidul Mujtamac oo ku yaalla xaafadda Islii ee ay Soomaalida ku badan tahay ayaa ka mid ah xubnaha guddiga u istaagay aaska muslimiinta u geeriyoota cudurka lagu magacaabay Covid-19. Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu Sheekh Maxamed ku sharraxay sida ay howshan culus u qabtaan. ""Wasaaradda Caafimaadka ayey ka timid su'aal ah 'haddii qof muslim ah uu u dhinto cudurka sideen ula tacaalnaa?', taas ayaana keentay in guddiga la aasaaso. Guddigu wuxuu sameystay dhalinyaro badan oo iskood isu xilqaamay, oo la tababaray, kuwaasoo dalka oo dhan ka kala socda, waxayna xiran yihiin dharka qafilan ee la isaga caabiyo cudurka. Markii uu qof muslim ah dhinto dowladdu waxay lasoo xiriireysaa dhakhaatiirta muslimiinta ah ee ku jira guddiga, kaddib dhakhaatiirtuna waxay la wareegayaan meydka islamarkiina waxay soo wargalinayaan guddiga"", ayuu yiri. Isagoo sii faahfaahinaya sida qofka loo aasayo ayuu yiri; ""Dhalinyarada loo tababaray ee ku labisan dharka qafilan ayaa sameyneysa aaska. Dhinaca qoyskana, wasaaradda caafimaadka waxay noo sheegtay inay oggoshahay ugu horreyn labo ruux oo xaqiijisa inuu qofka dhintay yahay qofkooda, sababtoo ah dadkan markii hore waxaa dadka cudurka qaba meel gaar ah ku heysatay dowlada. Markii ay labadaas qof oo dharka qafilan loo xiray xaqiijiyaan meydka, kaddib waxaa qoyska loo oggolaanayaa inay soo dirsadaan 15 ruux oo ka qeyb gasha janaasada lagu tukanayo meydka, goob joogna ka ahaanaya aaska"". Dowladda ayaa meel gooni ah u asteysay in lagu aaso dadka u dhintay xanuunkan, meydadkana waxaa janaasada lagula tukanayaa qabuuraha agtooda, iyadoo aan wali gaariga laga soo dajinin. Ninka Soomaaliga ah ee shalay la aasay loo maray nidaamka ay guddiga iyo dowladda isla dajiyeen. Sheekh Maxamed Shariif wuxuu sheegay in aysan jirin cid mushaar ku siineysa shaqadan, balse ay xitaa iyagu kharash ku bixiyaan. Wuxuu dadweynaha ka codsaday inay si dhab ah u qaataan halista cudurkan, dadka guryaha ugu dhinta xanuunkana waxay guddiga ka wici karaan lambarka 719. Kenya ayaa tan iyo markii uu cudurka soo gaaray waxaa sare usii kaceysay tirada dadka uu soo ridanayo, inkastoo dadka u dhimanaya ay koobnaayeen. 208 kiis oo coronavirus ah ayaa laga helay Kenya, halka 9 qofna ay u dhinteen. Bandow soconaya inta u dhaxeysa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta subaxnimo ayaa ka dhaqan galay waddanka oo dhan. Waxaa xayiraad galitaan iyo ka bixitaan ah lagu soo rogay magaalooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin caafimadda Nairobi iyo magaalo xeebeedka Mombasa. Dalal badan oo ka tirsan dunida muslimka ayaa caqabad lagala kulmay sida loo wajahayo dadka u dhinta cudurkan safmarka ah. Al-Azhar Al-Shareef, oo ah xarun weyn oo ay Muslimiintu aad u tixgeliyaan, kana mid ah xarumaha diinta Islaamka ee ugu faca weyn, ayaa Fatwo ay soo saartay ku faahfaahisay sida ugu haboon ee ay tahay in loo aaso qofka u dhinta cudurkan halista ah ee fayraska Covid-19. ""Asalku waa in qofka Muslimka ah ee dhinta la maydho maydkiisa, kafan lagu xidho oo lagu tukado salaadda janaasada, laakiin haddii qofku u dhinto cudur faafa oo la kala qaado oo ay khubarada caafimaadku xaqiijiyaan in maydkaas maydhiddiisa laga qaadi karo cudurka uu u dhintay, markaas waajibkaasi meesha wuu ka baxayaa oo sida ay khubarada caafimaadku ku taliyeen ayaa la raacayaan oo kafankii iyo maydhiddiiba waajib noqon maayaan,"" Ayey tidhi Fatwadu. Jawaabtan oo kale waxa isna bixiyey oo ka hadlay sida loo aasayo qofka u dhinta coronavirus, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culimada Soomaalida. Wuxuu sheekhu sheegay in waajibaadkaas ay shareecadu jidaysay ee ah maydhidda, kafan ku xiridda iyo salaadda jinaasadu ""ay meesha ka baxayaan oo ay diintu ruqsadaas bixinayso"" haddii Muslimiinta nool ee aasi lahayd qofkaas dhintay ay naftoodu halis ku galayso arimahaas, sida ay xaqiijiyeen khubarada caafimaadku ee ah in xitaa maydka laga qaadi karo cudurkan Covid-19 haddii ay dadku taabtaan. Sheekhu wuxuu aad u faahfaahiyey arrintan, isagoo dadka u sharaxay hadba sida ay diintu u eegto maslaxada dadka nool ee Muslimiinta ah." https://www.bbc.com/somali/war-52282463 +religion Wax badan ka ogow xaafidul Qur'aanka ugu caansan Tiktok "Wiilka ugu shacbiyadda badan TikTok adduunka oo dhan ee lagu magacaabo Khaby Lame ayaa ugu dambeyntii ka hadlay su'aalaha ku saabsan diintiisa. Khaby Lame oo ah shakhsiga ugu caansan baraha bulshada, oo dhowaan kaalintaas kala wareegay Charli D’Amelio, ayaa daaha ka qaaday in aanu kaliya ahayn Muslim ku dhaqma diintiisa, balse uu sidoo kale yahay xaafidul-Quraan. Khaby Lame oo la hadlayay mid ka mid ah warbaahinta Talyaaniga ayaa ka jawaabay su’aasha ugu badan ee la weydiiyay ee ku saabsanayd diintiisa, wuxuuna yiri “Haa waxaan ahay Muslim, Muslim ku dhaqma diintiisa. Ma garanayo wax kale oo aan iraahdo."" Lame, oo 22 sano jir ah oo ku dhashay Senegal ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in qoyskiisu ay u guureen Talyaaniga isaga oo sanad jir ah, waxaana loo diray dugsi Qur'aan ku yaallay meel u dhow magaalada Dakar, Senegal si uu xaafidul-Quraan u noqdo, waxayna taasi u sahashay inuu Quraanka xifdiyo markii uu ahaa 14 jir. Xiddiga reer Senegal ee TikTok, Khaby Lame ayaa hadda ah qofka ugu followers-ka badan TikToker adduunka oo dhan. Waxaa bartiisa ku xiran dadka ugu badan TikTok, isagoo aan wax kelmad ah dhihin, wuxuu dhaafay gabadha markii hore ku jirtay kaalinta koowaad oo la yiraahdo Charli D'Amelio. Lame wuxuu hadda haystaa 142.8 milyan oo qof oo ku xiran bartiisa TikTok, marka la barbar dhigo D'Amelio oo hayasta 142.3 milyan. Bishii Nofeembar ee sanadkii 2020, D'Amelio waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee TikTok isticmaala ee hela 100 milyan oo qof oo ku xiran. Sida fudud ee uu ku billaabay TikTok bishii March ee sanadkii 2020 waxay ahayd maalmihii ugu horreeyay ee cudurka Coronovirus, Khabane Lame, waxa uu waayay shaqo uu ka heystay warshad ku taalla meel u dhow magaalada waqooyiga Talyaaniga ee Turin. Wuxuu iska joogay guriga waalidiintiisa ee Chivasso, halkaas oo ay kula noolaayeen saddex walaalo ah, shaqo kale ayuuna rajeynayay. Xilligaas ayaa sidoo kale ahayd markii ugu horreysay ee uu isticmaalay Tiktok, sida uu ku warramay wargeyska Newyork Times. Lame wuxuu leeyahay gacmo dhaadheer iyo waji dhuuban. Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu soo dajistay app-ka TikTok, waxa uuna billaabay inuu muuqaallo isaga soo duubo qolkiisa jiifka. Muuqaallada uu soo dhigayay wuxuu ka soo galinayay cinwaan wata magaciisa Khaby Lame. Wixii markaas ka billowday, wuxuu noqday xiddig caan ka ah Tiktok. Muuqaalladiisa la-yaabka leh ayaa dadka soo jiitay. Markii hore, sida dad badanba ay ku sameeyaan TikTok, wuxuu soo galin jiray muuqaallo uu iska soo duubay isagoo qoob-ka-ciyaar sameynaya, ciyaaro daawanaya ama sameynaya waxyaabo shactiro ah. Lame, wuxuu muuqaalladiisa oo dhan caalamka gaarsiiyaa isagoo aamusan. TikTok dhexdiisa, aamusnaantiisa waa mid ka dhan ah hadal. ""Fikrad ayaan la imid sababtoo ah waxaan arki jiray muuqaallo wareegaya, waxaana jecleystay in aan ku soo daro aragti wax fududeyn ah,"" ayuu ku yiri wareysi uu siiyay telefishinka CNN. Sanadkan ayuu isbeddel la yimid kaddib markii uu billaabay inuu majaajilo ka dhigo xeelado la xiriira nolosha, uuna muuqaallo ka soo diyaariyo isagoo ka-fal-celinaya ficillo ay dad kale sameeyeen. Hal erayna ma soo raaciyo muuqaalladiisa falcelinta ah. Waxaa lagu tilmaamaa hadda inuu yahay ninka ugu taageerada badan uguna caansan TikTok. Qofka ku soo xiga oo ah Charli D'Amelio, oo ah gabar dhowr iyo toban sano jir ah oo ka soo jeedda California, waxay soo bandhigtaa muuqaallo ciyaar ah, inta badanna ay la soo sameyso walaasheed ka weyn. Wuxuu gacmaha ku tilmaamaa muuqaallo ay dad kale soo sameeyeen iyagoo fulinaya xeelado dhanka nolosha ah oo adag. Wuxuu uga jawaabaa muuqaallo si sahlan oo macquul gal ah loogu xallinayo isla arrimihii la adkeynayay. Mid ka mid ah muuqaalladiisa, Lame wuxuu gacantiisa ku fiiqayaa moos isagoo tilmaamaya qof moos mindi ku fiiqayay kaddibna ku jarjarayay. Mid kale, wuxuu ka fal-celinayaa muuqaal ay haweeney iska soo duubtay iyadoo si dhib badan u fiiqeysa qajaar ay ilkaheeda u adeegsaneyso. Isagoo hoga tusaaleynaya ayuu ajaar ku fiiqayaa aalad yar oo loogu talogalay in khudaarta lagu fiiqo. ""Waxaa laga yaabaa in sida aan wajiga ka dhigayo ay tahay qaab shactiro ah, howsha aan fududeynayana ay ka qoslineyso dadka, taas ayaana jeclahay,"" ayuu yiri. Mararka qaar indhaha oo keliya ayuu dhaqaajiyaa, madaxana wuu ruxaa isagoo aan gacmaha ku dareynin. Dad badan ayaa isaga qudhiisa muuqaalladiisa dib u adeegsada ama qaabkiisa tilmaanta ka min-guuriya. Fal-celintiisa marka laga soo tago labada gacmood ee uu ku taago waxa uu tilmaamayo, wuxuu sidoo kale ruxaa madaxa kaddib marka uu sheego qaabka sahlan ee laga rabay in howsha loo fuliyo. Gacmahana wuxuu soo fidiyaa isagoo ay calaacalihiisa kor u jeedaan." https://www.bbc.com/somali/articles/cq5zx8w919xo +sports "Sergio Aguero: Ciyaartoyda way ka ""baqayaan"" in ay ku soo noqdaan Premier League" "Ciyaartoyda waxay ""ka baqayaan"" qorshaha ah in dib loo billaabo kulamada ka dhiman horyaalka iyadoo xaaladda cudurka korona ay taagan tahay, ayuu yiri weeraryahanka u cayaaraha Manchester City, Sergio Aguero. Premier League ayaa la filayaa in dib loo billaabo 8 Maarso taas oo sababaysa in ciyaartoyda ay tabarada ay dib ugu soo noqdaan 18-ka May. Madaxda kooxaha waxay isu imaanayaan Jimcaha maanta ah si ay uga wadahadlaan in ciyaaraha dib loo billaabo. ""Inta badan ciyaartoyda way baqayaan sababtoo ah waxay leeyihiin carruur iyo qoysas,"" ayuu yiri 31-sano jirkan, Aguero. Isagoo la hadlayay telefishin laga leeyahay Argentina oo lagu magacaabo El Chiringuito, wuxuu laacibkan yiri: ""Waan baqayaa, saaxiibtey ayaa halkan ila joogto mana doonayo in dad kale ay isoo dhowaadaan. Gurigeyga baan ku xiranahay qofka keli ah ee aan is aragno waa saaxiibtey. ""Waxay sheegayaan, in ay jiraan dad xanuunka qaba oo aan calaamadihiisana ka muuqan haddana dadka kale usii gudbin kara. Waa sababtaa midda igu qasabtay inaan guriga isku soo xiro. Waxaa suuragal ah inaan qabo cudurka haddana aanan is ogeyn."" Horyaalka Premier League waxaa la hakiyay 13-kii Maarso iyadoo laga cabsi qabay fayraska korona balse kooxaha weli waxay doonayaan in la cayaaro 92-da kulan ee weli dhiman. Waxaa la filayaa in dhammaan kulamadaas lagu qabto garoomo cidlo ah, iyo in dadka ay si bilaash ah uga daawadaan TV-yo. Aguero wuxuu sheegay in saaxiibbadii ay xoogaa ""argagixi doonaan ayna feejignaan doonaan"" haddii ay garoomada dib ugu laabtaan. ""Haddii hal qof oo xanuunsan aan aragno waxaan is dhahaynaa 'maxaa halkan ka dhacaya?'"" ayuu hadalka ku daray. ""Waxaan filayaa in talaalka lagu sameeyo si degdeg ah si xaaladdan ay u dhammaato."" Haddii tababarka uu dib u bilowdo iyadoo weli uu jiro amarka ah in dadka aysan isu soo dhowaan, BBC waxay fahamsan tahay in halkii ciyaaryahanba laba goor laga baari doono fayrask corona, maalin kastana laga baari doono astaamaha lagu garto xanuunkan. Dhammaan baaritaannada waxaa sameyn doono dhaqaatiir iyadoo kooxaha horey ay usoo marayaan xarun baaritaan oo NHS ah taas oo iyaga oo dhan loo fasaxay in ay aadaan. Garoomada tababarada waxaa loo diyaarinayaa qaab ay dadka u kala fogaanayaan, iyo heer nadaafad oo aad u sareeya. Waxaa intaa dheer:" https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-52498894 +sports Nick Rolovich: Tababare diiday tallaalka Covid oo shaqada laga tiray "Tababare sare oo Mareykanka u dhashay isla markaana tababare kubadda cagta u ahaa koox ka aasaasan kuleej ayaa shaqadiisa laga cayriyay kaddib markii uu diiday in laga tallaalo xanuunka Covid-19. Jaamacadda Washington State (WSU) ayaa shaqada ka tirtay Nick Rolovich, oo ahaa shaqaalaha ugu mushaarka badan, iyo afar ka tirsan kaaliyeyaashiisa, sababo la xiriira inuu diiday tallaalka. Shuruudda ay soo rogtay jaamacadda ayaa ahayd in dhammaan shaqaalaha si buuxda loo tallaalo haddii kalena ay shaqadooda weynayaan. Mr Rolovich, oo 42 jir ah, oo sanadkii qaadna jiray $3.1m (£2.25m), ayaa codsaday in sababo la xiriira diintiisa looga daayo tallaalka. Balse Agaasimaha Ororddada ee WSU, Pat Chun, ayaa sheegtay in la diiday codsiga tababaraha. ""Tani waxay maalin niyad jab ah u tahay barnaamijkeenna kubadda cagta,"" ayuu yiri Chun. ""Muhiimaddeennu waxay ahayd siina ahaan doontaa caafimaadka iyo fayo qabka dhalinyarada kooxdeenna."" Shaqo ka tirista Rolovich ayaa muujineysa is mari waa saddex bilood socday oo u dhaxeeya tababaraha iyo Barasaabka Washington ee Dimuqraaddiga ka tirsan Jay Inslee. Bishii August, Inslee ayaa ku dhawaaqay in dhammaan shaqaalaha gobolka iyo kuwa caafimaadka looga baahan yahay inay qaataan labada kuuro ee tallaalka Covid-19 si ay shaqaooyinkooda u ilaashadaan. Isniintii waxay ahayd maalintii kama dambeysta ahayd ee ay tallaalka qaadan lahaayeen, amaba ay soo gudbin lahaayeen codsi ka cafin ah oo la xiriira caafimaad amaba diin. Balse Rolovich ayaa sheegay inuusan qaadan doonin tallaalka, isagoo ku sheegay inuu yahay go'aan shakhsiyadeed. ""Aniga oo gaaray go'aankeyga, waxaan tixgelinayaa in qof walba - oo ay ku jiraan tabarayaasha, shaqaalaha iyo ardayda orod-yahannada ah - ay qaadan karaan go'aankooda la xiiriira tallaala Covid-19. Faahfaahin dheeraad ah kama bixin doono go'aankeyga,"" ayuu yiri horraantii sanadkan. Qiyaastii 90% shaqaalaha WSU iyo 97% ardayda waa la tallaalay, sida laga soo xigtay jaamacadda. Rolovich, oo sanadkii labaad joogay WSU, waa tababarihii ugu horreeyay ee kuleejkaas oo shaqadiisa ku waaya sababo la xiriira tallaalka. Jaamacadda ayaa cayaaraha ka soo xareysay $19bn (£14 bn) sanadkii 2019, dakhligaas oo intiisa badan ka yimid kubadda cagta, oo kulankiiba ay daawadaan qiyaastii shan milyan oo qof. Mushaarka Rolovich ee WSU ayaa wuxuu ka sarreeyay kan la siiyo tababarayaasha kubadda cagta ee kuleejyada, balse wuxuu sidoo kale noqday shaqaalaha ugu mushaarka sarreeya gobolka, sida laga soo xigtay warbaahinta." https://www.bbc.com/somali/war-58975169 +sports Gabadha TikTok caanka ka ah ee guusha u horseedday Imran Khan "Kaddib Twitter, WhatsApp iyo Facebook, siyaasadda dalka Pakistan waxaa hadda saamayn wayn ku leh Tiktok oo jiho cusub u yeelay. Xisbiyada siyaasadda ee waddankaas ayaa si wayn ugu tiirsan Tiktok oo dhallinyaro badan ay ku xiran yihiin. Raysul Wasaarihii hore ee Pakistan, oo xilka laga qaaday kaddib markii uu baarlamaanka codka kalsoonida ka waayay, ayaa hadda u muuqda mid dib usoo labokacleeyay. Dhawaan waxa ay xisbigiisa Tehreek-e-Insaaf guul taariikhi ah ka gaareen doorasho ku celis ah oo ka dhacday gobolka Punjab. Balse warbaahinta Pakistan ayaa hadda tabinaysa in waxyaabaha guusha u horseeday Imran Khan uu ka mid yahay Tiktok. Mucaaradkiisa waxa ay horay ugu tilmaami jireen in uu yahay ""Raysul Wasaaraha baraha bulshada"". Markii xilka laga qaaday kaddib waxaa olole siyaasadeed u sameeyay dhallinyaro taageero badan ku leh bulshada isticmaasha baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok oo waayadii dambe ay shacbiyaddiisa sii banayso. Dadka caanka ah ee dhinaca Tiktok ku garab istaagay Imran Khan waxaa ka mid ah gabar lagu magacaabo Manahil Malik. Manahil waxa ay leedahay cinwaan TikTok ah oo ay ku taxan yihiin qiyaastii 8 milyan oo ruux. Waxa ay sheegtay in ay taageerayaasheeda u dirtay farriin ay uga codsanayso 'inay taageeraan xaqa ayna doorashada ku celiska ah ugu codeeyaan xisbiga Imran Khan'. Manahil ayaa ku doodday in maadaama ay tahay qof caan ka ah TikTok ay mas'uuliyad ka saaran tahay inay shacabka ku wargeliso waxa wanaagsan. Hase yeeshee xisbiga PTI ka hor, ururro kale oo siyaasadeed iyo kuwo diimeed ayaa TikTok u adeegsaday si ay fikradahooda ugu faafiyaan, teegeero dheeri ahna ugu raadsadaan. Ururrada ku tiirsanaa boggan ka mid ah baraha bulshada waxaa ka mid ah Muslim League-Nun iyo Tehreek-e-Labaik. Mid ka mid ah dadka u ololeeya ururka Muslim League-Nun activist, oo lagu magacaabo Saud Butt ayuu hadda ka hor si wayn ugu faafay muuqaal uu ka sameeyay xisbigiisa. Markii ay booliska u xireen bishii August ee 2020-k sababo la xiriira inuu shacabka kiciyayna waxay taageerayaashiisa muujiyeen caro aad u wayn. Sidaas si la mid ah, markii uu xisbiga Tehreek-e-Labaik Pakistan billaabay ololihiisa uu ku joojinayay badeecooyinka Faransiiska kaddib markii la faafiyay sawirro lagu aflagaaddeeyay Nabi Muxammad NNKH, waxaa si wayn loogu taageeray TikTok." https://www.bbc.com/somali/articles/cgry7zvm7l1o +sports Manchester United oo ka hadashay xadhigga Harry Maguire "Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa sheegtay in kabtankeeda Harry Maguire uu ""si buuxda ula shaqeynayo booliska dalka Giriigga"" kaddib markii lasoo tabiyay ""fal la sheegay"" inuu habeennimadii Khamiista ka dhacay jasiiradda Mykonos. ""Maamulka kooxdu wuu ka war qabaa dhacdada la sheegay inuu ku lug leeyahay Harry Maguire ee xalay ka dhacday Mykonos,"" ayaa lagu yidhi bataan ay maanta soo saartay Manchester United. ""Waa lala xidhiidhay Harry, wuxuuna si buuxda ula shaqeynayaa booliska Giriigga. Xilligan wax faahfaahin dheeraad ah ma bixineyno."" Warar kasoo baxay gudaha Giriigga ayaa lagu sheegay in Maguire uu ku lug lahaa dhacdada, laakiin ma jirto faahfaahin ku saabsan waxa dhacay. Daafaca Manchester United iyo xulka qaranka England, oo 27 jir ah, ayaa hadda dalxiiska fasaxa ku jooga Giriigga. Wuxuu kooxda United ku biiray kaddib markii ay Leicester uga iibsatay lacag dhan £80m - taasoo ahayd kharashkii ugu badnaa ee difaac loogu iibsado caalamka - bishii Auguist ee sanadkii 2019-kii. Harry Maguire ayey cadho weyn wajigiisa ka muuqatay markii ugu dambeysay ee uu la hadlay warbaahinta, kaddib markii Axaddii kooxdiisa looga adkaaday 1-2, sidaasna looga burburiyay rajadii ay ka lahaayeen inay ku guuleystaan koobka tartanka Europa League. Sevilla, oo guushaas ku gaadhay ciyaarta kama dambeysta ah, ayaa caawa la ballansan kooxda Inter Milan, oo iyana kasoo adkaatay Shakhtar Donetsk. Maguire kooxdiisa Manchester United xilli ciyaareedkii dhammaaday u saftay 55 kulan, waxaana ka mid ah daqiiqad kasta oo qeyb ka ahayd kulamadii horyaalka Premier League-ga." https://www.bbc.com/somali/war-53866840 +sports Ciyaaraha: Cristiano Ronaldo oo ku biiray Manchester United "Weerar yahanka kooxda Juventus, Cristiano Ronaldo, ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United. Bayaan ay soo saareen maamulka United ayay ku xaqiijiyeen in ay Juventus la gaareen heshiiska lasoo wareegitaanka Ronaldo. Waxa harsan waa in Ronaldo heshiis si shakhsi ah loola meel dhigo heshiiska, sida ku cad bayaanka United ay ku daabacday boggeeda. Warkan ayaa durbadiiba si deg deg ah u qabsatay warbaahinta caalamka oo dhan. Markii hore waxaa maalmahan la hadal hayay in Ronaldo uu ku sii jeedo magaalada Manchester, balse kooxda uu u socdo ay tahay City oo ay si weyn u xifaaltamaan United. Saacadihii lasoo dhaafay ayuu si lama filaan ah usoo baxay hamiga United ay ku daneyneyso xiddigeedii hore kaddib markii hadal heynta taageerayaasha Manchester United ay badatay, iyagoo aad uga soo hor jeeday in uu halyeygooda ku biiro City. ""Manchester United waxay ku faraxsan tahay in kooxda ay heshiis la gaartay Juventus si ay ula soo wareegto Cristiano Ronaldo, arrintaas oo hadda ku xiran shuruudaha shakhsiga ee, dal ku galka iyo caafimaadka. ""Ronaldo oo shan jeer ku guuleystay abaal marinta Ballon d'Or, waxa uu ilaa hadda ku guuleystay 30 koob intii uu xirfaddiisa ku jiray, waxaana ka mid ah shan koob oo ah Uefa Champions League, afar koob oo ah Fifa Club World, toddobo horyaal oo isugu jira England, Spain, Talyaaniga iyo horyaalka yurub oo uu kula guuleystay qarankiisa Portugal. ""Markii hore ee uu Manchester United u ciyaaray waxa uu dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu ciyaaray. ""Qof walba oo kooxda ku sugan waxa uu soo dhaweynayaa Cristiano oo dib ugu soo laabtay Manchester."" Galinkii hore ee Jimcada ayay Manchester City ku dhawaaqday in ay ka hartay tartanka ay ugu jirtay lasoo wareegitaanka Cristiano. Markii hore, Ronaldo waxa uu u maleynayay in uusan fursad u heli karin ku biiritaanka kooxdiisi hore, balse United ayaa go'aansatay inay suuragal ka dhigto." https://www.bbc.com/somali/war-58358707 +sports Kooxaha Premier League oo isku khilaafsan bilaabashada horyaalka "Iyadoo la joojiyay tartanka Horyaalka England, cudurka safmarka ah ee Coronavirus dartiis, ayaa haddana waxaa soo baxaya in xilligan dhow aysan suurogal ahayn in garoomada lagu soo noqdo. Madaxa Xiriirka Kubada Cagta ee England, Greg Clarke, ayaa yiri: ""Wey adag tahay in la arko taageerayaasha kubada cagta oo garoomada lagu arko xiligan dhow. Hadii dib loo billaabo Horyaalka Britain ee Premier League, taasi micneheedu wuxuu noqonayaa in lagu dheello garoomo aysan joogin taageerayaal. Horyaalka England sidoo kale waxuu qorshaynayaa suurtogalnimada ah in tartanka soo socda ee 2020-ka illaa 2021, la ciyaaro iyadoo aysan jirin daawadayaal garoonka soo galaya. Madaxa Xiriirka FA ee kubada cagta, Greg Clarke, ayaa warqad uu qoray ku sheegay: ""Xaqiiq ahaan ma ogin sida xaalku noqon doono"". Balse wuxuu intaa ku daray: ""kala-fogaansha dadka ayaa wax ka badali doona daawashada sida kubada cagtu ay ahaan doonto mustaqbalka"". Waxaa kaloo laga fikirayaa in la dhimo miisaaniyada ciyaaraha illaa $75 milyan oo gini sannadkan oo u dhiganta $93.31 Milyan oo dollar. Waxaa jira in kooxaha waawayn ee Horyaalka Britain loo sheegay in la damacsan yahay in la isticmaalo 10 garoon oo dhexdhexaad ah si loo dhamaystiro ciyaaraha dhiman ee horyaalkan. Kooxaha laga yaabo inay ka haraan horyaalka labaad ayaa arrinkan ka horyimid Waxaa jira kooxo lix iyo toddobo gaaraya oo iyagana diidan in lagu ciyaaro garoomo dhexdhexaad ah, kooxaahaas ayaa sidoo kale isku khilaafsan sida loo soo afjari karo tartamada hadda hakadka ku jira ee Premier League uu ka mid yahay. Waxaa sidoo kale jira kooxaha qatarta ugu jira inay dhaqale badan lumiyaan haddii ay horyaalka hoos uga dhacaan. Go'aan ku saabsan in lagu ciyaaro garoomada dhexdhexaadka ah waxay sidoo kale yaraynaysaa isu-imaatinka dadka badan ee ciyaaraha usoo daawasho taga. Kooxaha Horyaalka England ayaa ka xaajoon doona arrimahan oo kale ka dib marka dowladdu ay dib u eegto amarada bandowga bishan 7-da bishan May." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-52527338 +sports Dhaktar ciyaartoyda dhiig siin jiray oo xukun lagu riday "Dhaktar u dhashay waddanka Jarmalka oo ka shaqeyn jiray waaxda ciyaaraha ayaa lagu riday xukun ku dhow shan sano oo xabsi ah kaddib markii lagu helay in uu mas'uul ka ahaa shabakad ciyaartoyda awooddooda dhinaca tamarta si sharci darro ah u kordhin jirtay intii u dhaxeysay sannadihii 2012-kii ilaa 2019-kii. Mark Schmidt, oo 42 jir ah, ayaa sidoo kale lagu ganaaxay in uu bixiyo lacag dhan €158,000 (£140,000; $190,000), waxaana laga mamnuucay in uu dhakhtarnimada ku sii shaqeeyo saddex sano oo ka dambeysa xilliga xabsiga uu dhammeysto. Xukunkan waxaa dambiilaha ku ridday maxkamad uu fadhigeedu yahay magaalada Munich ee dalka Jarmalka. Shabakadda ayaa habka awood kordhinta sharci darrada ah u sameyneysay ciyaartoyda qaar ka mid ah dalalka caalamka ee ka qeyb gala tartamada dhinaca hawada iyo waliba kuwa baaskiillada. Schmidt waxaa la xiray bishii February ee sanadkii 2019-kii kaddib markii weerar ay booliska ku qaadeen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Erfurt ee dalka Jarmalka iyo guri kale oo uu ku leeyahay magaalada Seefeld ee waddanka Austria. Xilligaas, shirkad ka shaqeysa dalxiiska dhinaca hawada ayaa magaalada Seefeld ku qabaneysay tartan weyn oo ay isugu imaanayeen ciyaartoyda dhinaca hawada ku tartama. Dhowr ciyaartoy oo ka kala yimid dalal kala duwan ayaa halkaas lagu xiray kaddib markii laga shakiyay in ay si sharci darro ah tamartooda ku kordhinayeen si aysan u daalin durba. Hal ciyaartooy oo u dhashay dalka Austria ayaa markaas gacanta lagu dhigay isagoo dhiig uu ku socdo si loo xoojiyo qulqulka dhiigga ee wadnihiisa, taasoo horseedeysa in uusan daalin. Xarigga dadkaas ayaa layaab ku noqday kana argagixiyay dhammaan dadka tartamada noocaas ah ka qeyb qaata ee guud ahaan dunida. Adeegsiga kordhinta awoodda sharci darrada ah ee loo isticmaalo socodsiinta dhiigga ayaa la sameeyaa si ciyaartoyda loogu kordhiyo unugyadooda dhiigga cas, taasoo ka caawineysa in ay awood xoog leh yeeshaan. Kordhinta awoodda ee dhiigga loo isticmaalo ayaa dalka Jarmalka laga mamnuucay sanadkii 2015-kii. Schmidt ayaa maxkamad lasoo taagay bishii September, waxaana dacwadda ku wehlinayay ilaa afar qof oo ay isku kiis ahaayeen, kuwaasoo qudhooda ay maxkamadda Munich ku heshay dambiyadii lagu soo oogay. Dhakhtarkan ceeboobay ayaa isbuucii lasoo dhaafay qirtay dambiga uu galay. Warqad uu qoray oo ay qareennadiisa maxkamadda ka hor akhriyeen ayuu ku yidhi: ""Tallaabo khaldan ayaan qaaday aniga ayaana eeddeeda iska leh."" Wuxuu sidoo kale raalligalin siiyay afarta qof ee dambiga kula jirtay, kuwaasoo uu sheegay inuu ka qoomameynayo sida uu mustaqbalkooda ugu ciyaaray." https://www.bbc.com/somali/war-55668122 +sports Oradyahan u dhashay dalka Spain oo sameeyay ficil ay dad badan la yaabeen "Ciyaaryahan u dhashay dalka Spain islamarkana dheela ciyaaraha fudud ayay dadka isticmaala baraha bulshada ay si wayn u bogaadiyeen ka dib markii uu u huray in guusha kaalinta saddexaad uu qaado ciyaartooy la tartamayay. Ciyaaryahanka ayaa wadiiqo qaldan maray markii uu u dhawaa dhamaadka tartankan dhanka oradka. Ciyaaryahanka dhanka oradada ee u dhashay dalka Britain James Teagle ayaa ku dhawaa in kaalinta saddexaad ee tartanka uu ku guuleysto markaasi oo uu qalad sameeyay markii uu mitiro u jiray dhammaadka tartanka. Diego Méntrida ayaa ka dib dhaafay, balse waxaa uu arkay qaladka uu galay ka dib-na wuu istaagay si uu ugu ogolaado Teagle in uu ka hormaro oo uu kaalinta saddaxaad galo. ""Wuu u qalmaa,"" ayuu yiri Mr Méntrida. Tartankan ayaa dhacay 13 september, balse muuqaalkan ayaa baraha bulshada lagu faafiyay maanta. Dad badan ayaa ciyaartooygan 21 jirka ah ee lagu magacaabo Méntrida ugu hambalyeeyay ficilka uu sameeyay ee uu u ogolaaday in saaxiibki uu galo kaalin uu isaga gali karay. Jimcihii ayaa waxaa qabanqaabiyayaasha tartankan ay gudoonsiiyeen Méntrida iyo sidoo kale Teagle oo la siiyay lacag dhan €300, oo abaalmarin ah, sida uu qoray wargaeyska El Mundo ee ka soo baxa dalka Spain. ""Tani waa mid ay i bareen waalidiinteyda iyo naadiga aan u dheelo tan iyo caruurnimadeydii, sida ay iila muuqato aniga waa arrin iska caadi ah,"" waxaa uu sidaasi Méntrida ku qoray barta uu Instagram ku leeyahay. Qoraakiisa ka dib ayaa waxaa ficilkiisa ku bogaadiyay asxaabtiisa ku xiran barta uu Instagram ku leeyahay. Teagle ayaa marka uu waddada qaldan u leexday waxaa tartanka ka dhinnaa wax ka yar 100 mitir." https://www.bbc.com/somali/war-54220860 +sports Ciyaaryahan caan ah oo isagoo cunuggiisa badbaadinaya geeriyooday "Shad Gaspard oo horay uga qeyb qaadan jiray tartammada ciyaaraha musaaracada ayaa meydkiisa laga helay Xeebta Venice ee ku taalla magaalada Los Angeles kaddib markii la waayay xilli uu la dabaalanayay wiilkiisa. Ciyaaryahankan 39 jirka ah ayuu hir qaaday isaga iyo wiilkiisa Aryeh oo 10 jir ah, 17-kii bishan May. Cunigga yar waa la badbaadiyay laakiin kooxda badbaadiyeyaasha ah ee xeebta ku sugnaa uma aysan suurta galin inay isagana gacanta kusoo dhigaan. ""Shad wuxuu ku haftay badweynta, wuuna geeriyooday, "" sidaas waxaa baraha bulshada ku shaaciyay Dwayne Johnson oo loo yaqaanno ""The Rock"". ""Laakiin inta uusan dhimanin wuxuu dalbada in marka hore loo badbaadiyo wiilkiisa. Kaasina waa jacaylka aabanimo"", ayuu sii raaciyay qoraalkiisa. The Rock wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda ku caanbaxay tartamada musaaradaha, waana jilaa filimada sameeya. Wuxuu Shad ku tilmaamay ""nin aad u wanaagsanaa"", isagoo ""tacsi tiiraanyo leh"" u diray xaaskii uu ka tagay, wiilkiisa iyo dhammaan qoyska intiisa. ""Waa dhacdo xanuun badan,"" ayuu sii raaciyay. Xaaska Shad ayaa ka mahad naqday sida loo badbaadiyay wiilkeeda, xilligii uu socday howlgalka lagu raadinayay seygeeda. ""Shad waa dagaalyahan, geesi cajiib ah. Waxaan rajeyneynaa oo aan ku duceysaneynaa inuu isagoo nabad qaba noo soo laabto,"" ayey tiri markaas. Dabcan waxay ahayd inta aan meydka seygeeda la helin. Laakiin maalintii Arbacada ayey kooxaha gurmadka ka war dooneen meyd la sheegay inuu kusoo caariyay xeebta Venice ee magaalada Los Angeles. Saacado kaddib waxay xaqiijiyeen inuu yahay meydka Shad. ""Waxaan taageerayaasha caalamka kula biirayaa tacsida iyo xasuusta Shad Gaspard, oo ahaa ciyaartoy aan aad u jecel nahay iyo aabe naxariis badan,"" sidaasna waxaa Twitter-ka kusoo qoray ciyaartoyga sida weyn loogu qiimeeyo tartamada musaaracada (WWE) ee lagu magacaabo Triple H. Ciyaartoygan oo uu dhirirkiisu ahaa The 6ft 7in, waxaa markiisii hore loo aqoon jiray Da Beast wuxuuna kasoo muuqday koox musaaracada isku baheysata (Cryme Tyme), si gaar ahna wuxuu xulafo ula ahaan jiray JTG. ""Noloshiisa kuma soo gabagaboobin sidii aan rabnay,"" ayuu yiri Tyrus oo ay isku koox ahaayeen kusoo qoray baraha bulshada. ""Waxaan hadda u xusi karnaa inuu ahaa halyeey, aabe naxariis badan. Kaddib markii uu ka baxay tartammada musaaracada ee WWE toban sano ka hor, Shad Gaspard wuxuu ku biiray jilista filimada, kuwaasoo uu doorar kooban ka qaadan jiray. Waxaa filimadii uu kasoo muuqday ka mid ahaa Get Hard with Kevin Hart iyo Will Ferrell, kuwaasoo soo baxay 2015-kii. Rugcaddaaga WWE ee lagu magacaabo Dave Bautista ayaa ooyay markii uu ka tacsiyeynayay geerida Shad: ""Wuxuu jeclaa inuu qol soo dhex galo oo uu kiciyo buuq - wuxuu ahaa nin noocaas ah, wuxuu ahaa nin nolosha oo dhan ka weyn.""" https://www.bbc.com/somali/war-52797880 +sports Manchester City oo kooxda Liverpool salaan sharafeed ku siin doonta Etihad Stadium "Tabobaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay in ciyaartoyga kooxdiisu salaan sharafeed ku siin doonaan garoonka Etihad Stadium maalinta Khamiista ah naadiga Liverpool ee ku guulaystay horyaalka Ingiriiska. Waxay noqon doontaa ciyaartii ugu horraysay ee Liverpool lagu siiyo salaan sharafeedkaa muddo 30 sano ah oo ay sugaysay koobka horyaalka Ingiriiska oo ay ku hanatay natiijada ciyaartii Chelsea ay kaga badisay Man City. ""Waxaan doonaynaa inaan koox ciyaartoy ah u safno oo ay salaan sharafeed siiyaan"" ayuu yidhi Guardiola. Waxaanu intaa ku daray ""salaan ayaanu isula taagi doonnaa Liverpool marka ay garoonkayaga yimaadaan oo waxaanu ku qaabili doonnaa hab maamuus sare. Sidaana waxa aanu yeelaynaa waxa weeyi in ay mutaysteen"". Dhanka kale, Gauradiola ayaa mar labaad diiday inuu ka hadlo inuu doonayo inuu kooxda Man City la sii joogayo iyo in kale mrka qandaraaskiisu dhamaado 2021-ka. Liverpool oo ku tilmaantay wax aan la qaadan karin habkii ay u damaashaadeen taageerayaasheedu Soddon sano ka dib kooxda liverpool waa horyaalka koobka ingriiska Geeridii Floyd: Ciyaartoyga Liverpool oo sawir fariin ah diray Sannadkaa marka la gaadho waxa u buuxsami doona shan xilli ciyaareed oo uu hogaanka u hayey kooxda, mudadaas oo ka badan intii uu hogaanka u hayey kooxda Barcelona waxaana jira hadal hayn ah inuu danaynayo inuu taxaddi kale isku qaado. Isagoo hadal jeediyey wax yar uun ka hor ciyaartii rubuc dhamaadka tartanka FA ee Axaddii ka dhacday magaalada Newcastel, ayaa Guardiola yidhi ""run ahaantii aad baan ugu hammuun qabaa qaybta xili ciyaareedkan, laakiin ka dambe waan arki doonaa sida wax u dhacaan. Si aad ah ayaan ugu qanacsanahay in aan kooxdan hogaanka u hayo mana doonayo in aan aad uga fikiro wax mudada fog ah""." https://www.bbc.com/somali/53216289 +sports Kooxdee ayuu funaanaddeeda soo xiran doonaa ninka la haray xulalkii ugu awoodda badnaa Koobka Adduunka? Taageerayaasha xulka qaranka Morocco ee dunida ayaa sugaya natiijada kasoo bixi doonta ciyaarta nus dhammaadka ah ee caawa dhex mari doonta Morocco iyo Faransiiska, maadaama ay taariikh cusub dhici doonto haddii ay u gudbaan kama dambeysta. Guud ahaan dadka daawada tartanka Koobka Adduunka ee ka socda Qadar ayaa saadaal kala duwan ka bixinaya kulanka xiisaha badan ee la sugayo caawa. Hase yeeshee dad badan ayaa aaminsan in arrintu aysan saadaal keliya ekeyn marka uu go’aan qaato ninka loo yaqaanno “Nasiib xume” oo caan ku noqday in kooxda uu funaanaddeeda soo xirto laga guuleysto. Maxamed Al-Hajri, oo ku magac dheer Mjomba, balse hadda lagu naaneyso “Jinx” oo micnaheedu yahay qofka nasiibka xun wata, ayaa dhowr jeer kasoo muuqday garoomada isagoo xiran funaanadda mid ka mid ah kooxaha xilligaas ciyaaraya, mar walbana waxaa guul darreysta kooxda uu dharkeeda kusoo labisto. Kulankii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka ayuu garoonka ku tagay funaanadda iyo calanka xulka qaranka ee Qadar, waxaana ay ciyaartaas guul darro kasoo gaartay Qadar oo la hardameysay xulka Qaranka Ecuador. Hadal-heyntii ugu weyneyd ayaa ka dhalatay tallaabada uu qaaday Mjomba ka dib markii uu funaanadda xulka Argentina soo xirtay xilli ay wada ciyaarayeen Sacuudiga iyo Argentina, halkaasna looga adkaaday kooxda uu dharkeeda xirnaa. Kooxaha kale ee uu Mjomba la haray waxaa ka mid ah Brazil oo tan iyo billowgii tartanka loo saadaalinayay in ay ugu dambeyn ku guuleysan doonaan Koobka. Sidoo kale waxa uu dad badan ka yaabsaday markii uu soo xirtay funaanadaha xulalka Spain iyo Boortaqiiska, oo labadaba ay si lama filaan guul darro ugala kulmay xulka Morocco. Waa majaajiliiste u dhashay waddanka Cumaan, waxaana loo arkaa xilligan inuu ka mid yahay dadka ugu saameynta badan dhinaca baraha bulshada. Taageerayaasha kubbadda cagta ayaa aad u jecel in ay la kulmaan si ay uga codsadaan in uu taageero kooxo ay jeclaan lahaayeen in laga reebo tartanka. Waxaase aad loo sugaa dharka uu soo xirto. Mjomba ayaa bogaggiisa baraha bulshada, sida Instagram iyo Twitter kusoo bandhiga sawirrada kooxaha uu taageerayo ee mar walbana laga guuleysto. Ciyaartii ugu dambeysay ee xalay dhex martay xulalka Argentina iyo Croatia ayuu ku yimid funaanadda xulka qaranka Croatia, taasoo natiijadeeda ay noqotay sidii ay ka baqayeen dadkii la kulmay isaga ama arkay sawirkiisa. Kooxda Argentina ayaa guul darro 3-0 ah dhabarka u saarisay Croatia oo sidaas ku weysay rajadeedii ahayd in ay markii labaad oo isku xigta gaarto ciyaarta dama dambeysta ah ee Koobka Adduunka. Taageerayaasha Morocco ayaa rajeynaya in Mjomba uu caawa kusoo labisto funaanadda qaranka Morocco, sidii uu sameeyay labadii jeer ee ay la kulmeen Spain iyo Boortaqiiska. Laakiin arrintaas cidna ma dammaanad qaadi karto dabcan. Tan iyo xalay waxaa baraha bulshada lagu hadal hayay muuqaal laga arkayo nin taageere ah oo Mjobma ka codsanaya in uu soo xirto funaannada kooxda Faransiiska. Achraf Ben Ayad oo ka mid ah dadka saameynta ku leh baraha bulshada ayaa laga arkayaa muuqaalkan isagoo uga codsanaya Mjomba ka codsanaya in uu caawa soo xirto funaanadda Faransiiska, taasoo uu sheegay in uu xitaa lacagteeda siiyay si uu usoo iibsado. Waxa uu sidoo kale ka codsaday in uu Axaddana soo xirto funaanadda Argentina. Si kastoo ay ahaataba, haddii Morocco ay caawa sameyso mucjiso kale, tartankana ka reebto Faransiiska weli waxaa hortaagan xulka Argentina. Balse tallaabo kasta oo ay horay usii qaadaan waxay soo dhaweyneysaa rumeynta saadaashii uu horay halyeyga Kubbadda Cagta Brazil, Pele ku sheegay in koox ka socota Africa ay Koobka Adduunka ku guuleysan doonto ka hor inta aan la gaarin sanadka 2000, inkastoo ay sii raaceen dhowr 22 sano. https://www.bbc.com/somali/articles/crgzxyrv1lxo +sports Maxay Fifa ku haysataa dalka lagu qabanayo Koobka Adduunka ee Qadar? "Madaxwaynihii hore ee Fifa Sepp Blatter ayaa sheegay in go’aankii lagu gudoonsiiyay qabashada koobka aduunka 2022 Qatar uu ahaa mid “khalad” ah. Blatter, oo 86 jir ah, ayaa ahaa madaxweynaha ururka xidhiidhka kubbadda cagta adduunka markii Qatar la guddoonsiiyay tartanka 2010-kii. Waddankan Khaliijka ah ayaa lagu dhaleeceeyay mowqifkooda ku aaddan xidhiidhka dhexmara dadka isku jinsiga ah, heerka xuquuqda aadanaha iyo hab la dhaqanka shaqaalaha muhaajiriinta ah. ""Waa dal aad u yar, kubbadda cagta iyo Koobka Adduunka ayaa aad ugu weyn,"" ayuu u sheegay wargeyska Swiss Tages Anzeiger. Koobka Adduunka ee Qatar, oo ah kii ugu horreeyay ee lagu qabto Bariga Dhexe taariikhda tartankan oo jira 92-sano, iyo kii ugu horreeyay inta lagu jiro xilliga jiilaalka ee ay ku jiraan dalalka dhaca Waqooyiga Hemisphere, wuxuu dhacayaa 20 November ilaa 18 December. Blatter waxa uu sheegay in Fifa ay wax ka beddeshay shuruudihii lagu soo xuli jirey dalalka martigelinaya koobkaas sannadkii 2012-kii, kaddib markii walaac laga muujiyay sida loola dhaqmay shaqaalaha ajnabiga ah ee waddankaas kala shaqynayey dhismayaasha garoommada lagu ciyaari doono Koobka Adduunka ee Qatar. “Tan iyo markaas, tixgelinta bulshada iyo xuquuqul insaanka ayaa noqday qodobka u weyn ee la tixgelinayo,"" ayuu raaciyay. Blatter ayaa 17 sano ahaa madaxweynaha Fifa, laakiin waxaa lagu qasbay inuu xilka ka dago 2015 ka dib markii lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah u abaabulay lacag dhan laba milyan oo faran Swiss ($ 2.19m; £ 1.6m) oo uu ku wareejiyay madaxweynihii hore ee Uefa Michel Platini, oo sidoo kale lagu qasbay inuu iska casilo xilkiisii xubinnimada booska Fifa. Xilligaas FIFA ayaa ka mamnuucday kubadda cagta muddo sideed sano ah, iyadoo markii dambe laga dhigay lix.. Bishii Maarso 2021 wuxuu markaas helay ganaax dheeri ah oo gaadhsiisan ilaa 2028, kaas oo ka dhashay ""xadgudubyo kala duwan"" oo khuseeya xeerka anshaxa Fifa. Blatter iyo Platini ayaa lagu soo eedeeyay musuqmaasuq bishii November ee la soo dhaafay balse wax dambi ah lagu waayay maxkamad ka dhacday Switzerland bishii July. Go’aanka ah in ciyaaraha adduunka ee 2018 iyo 2022 lagu abaalmariyo qabashadooda Russia iyo Qatar sida ay u kala horreeyaan ayaa waxaa lagu soo oogay eedeymo musuqmaasuq oo baahsan, iyadoo labo baaritaan ay bilaabeen dacwad oogayaasha Switzerland iyo waaxda cadaaladda ee Mareykanka sanadkii 2015-kii. Qatar iyo Ruushka ayaa had iyo jeer diida inay wax khalad ah sameeyeen, waxaana labadaba si hufan u caddeeyey in ay si sax ah u heleen baaritaankii Fifa ee 2017-kii." https://www.bbc.com/somali/articles/cp0vgn3mgv1o +sports Ochiroo, ciyaartoy reer Mongolia ee rajadiisa ay soo jiidatay dad badan "Sheekada 14 jir u dhashay dalka Mongolia ee Aasiya ayaa xiisa badan gelisay dad badan ka dib markii uu la kulmay qiso saameyn ku yeelatay noloshiisa. Ciyaartoygan oo aad u daneyn jiray ciyaarta kubadda cagta ayaa marwalba oo iskuulka uu aadayo wuxuu derbiga ku laadi jiray kubadda, wuxuuna orod ku tegi jiray iskuulka si uu jimcsi uga dhigto. Wuxuu marwalba jeclaa in uu noqdo ciyaartoy ka dheela dalalka dibadda oo magaciisana lagu xardho dusha sare ee funaanadiisa. Nasiib wanaag riyadaas wuu ku guuleystay balse nasiib darro, wuxuu la kulmay arrin ku reebtay in uu faraha ka qaado kubadad cagta oo dhan. Ochiroo Batbold wuxuu 5 sano jir markii qoyskiisa ay u wareegeen gobolka Ulaanbaatar, halkaas oo dad badan ay aaminsan yihiin in fursado badan ay ka jiraan. Dalka Mongolia, ciyaarta kubadda cagta kama ahan mid aad loo xiiseeyo sababo la xiriira cimilada awgeed, waxaana dhallinyarada ay doorbidaan ciyaaro ay ka mid yihiin lagdanta. Balse Ochiroo markii uu yaraa wuxuu guriga ku dheeli jiray ciyaaraha kubada cagta oo game ah ee loo yaqaano PlayStation. Saaxiibbadii ka weyn waxay bareen kooxda Manchester United ee ka dheesha horyaalka Britain oo uu markii dambe la dhacay. Marwalba wuxuu doonayay in uu noqdo xiddigii weerarka uga dheeli jiray kooxda United, ee Wayne Rooney, laba sano ka dibna wuxuu ku biiray koox kubadda cagta ah. Wuxuu aad u daneynayay in uu ka mid noqdo kooxda kubadda cagta ee Mongolia, balse ma aysan jirin fursad uga banaaneyd ciyaartoyda yaryar, taageerayaashuna waxay daneyn jireen daawashada horyaalka kubada cagta ee Britain. Balse sannadkii 2013-kii wuxuu aasaasay koox uu isaga leeyahay oo lagu magacaabo Bayangol FC. Kooxdaas xilligaas waxay u baahneyd cid caawisa, wuxuuna la xiriiray nin lagu magacaabo Paul Watson oo u dhashay Britain, kaas oo horay buug uga qoray arrimaha tababarka kubadda cagta. ""Waan ogaa in aanan saxnayn markii aan faraha la galay wax noocaas oo kale ah,"" ayuu yiri Paul. Bishii oktoobar ee isla sannadkaas, Paul wuxuu u soo duulay dalka Mongolia, xilligaasina waxaa kooxda ku soo biiray ciyaartoy cusub, kuwaas oo barnaamij uu ka sameeyay mid ka mid ah telefisheinnada wadankaas ee soo bandhiga dadka hammiga leh. Ciyaartoydaas waxaa ka mid ahaa Ochiroo, balse ma uusan noqonin ciyaartoygii ugu xirfadda fiicnaa, laakiin wuxuu aad u soo jiitay Paul iyo dadkale oo la socday. Paul iyo kooxdiisa, subax ka mid ah subaxyada, waxay baabuur u qaateen iskuulka, si ay u soo ogaadaan in uu tababarto aroorti. ""Waxaan baabuurka soo marinay meel aad u ceeriyaamo badan, oo buur dusheeda ah, qabowna ahayd,"" ayuu yiri Enki oo ay wada socdeen Paul. Wuxuu u sheegay in halkaas ay ugu tageen Ochiroo oo keligii ah, kuna jimicsanayay qolka jimicsiga. Kooxdii Bayangol ee u asaasay Ochiroo waxay ku guuleysteen horyaal ka mid ah kuwa hoose ee laga dheelo dalkaas, ugu dambeynna waxay u soo wareegeen heerarka kala duwan ee horyaalada kubada cagta ee Mongolia. Markii ay dhowr horyaal oo hoose ay ku guuleysteen waxay u soo gudbeen horyaal ugu weyn dalkaas ee MPL. Markii ay halkaas mareysay, Ochiroo waxaa Facebook kala soo xiriirray wakiil fadhigiisu yahay dalka Mareykanka, oo ciyaartoyda u kala iibiya kooxaha kubada cagta, wuxuuna u soo bandhigay in ay tijaabo ku sameyneyso kooxda kubada cagta ee Los Angeles Galaxy, loogana baahan yahay in uu bixiyo lacag gaareysa $6 kun oo dollar. ""Wakiilki wuu aamusay in muddo ah, mana uusan garaneynin sababta,"" ayuu yiri Paul oo intaa raaciyay in ay ku baraarugsanaayeen arrinta. Markii arrintaas loo soo bandhigay Ochiroo, wuxuu damcay in uu kala tashado Paul. ""Sida ay u shaqeyaan kooxahan, waxay ku oranayaan cidna ha u sheegin, gaar ahaan kooxda aad ka tirsan tahay,"" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Paul. Ochiroo wuxuu la kulmay dhac la xiriiray tijaabadii, waxayna qoyskiisa oo soo amaahday lacagta ay siiyeen qolyihiin tuugada ahaa, ku qasbanaadeen in ay iibiyaan gurigooda. Markii Ochiroo lagu khiyaamay arrintaas, waxaa la soo darsay xaalad adag iyo walwal. ""Waxaan doonayay in aan aamino qofwalba oo i caawin kara,"" ayuu yiri. Wuxuu intaa raaciyay in go'aanka uu ku bixiyay lacagta uu qaatay isagoo caadifadeysan. Dadkii la soo xiriiray ee u sheegtay inay ahaayeen wakiillo dhanka kubada cagta ah, markii ay heleen lacagta, way ka gaabsadeen ciyaaryahankaas dhallinyarada ah. Balse Ochiroo ayaa markale la xiriiray oo wuxuu ku yiri: ""Ciyaartoy kale ayaa doonaya inuu ka qeybgalo tijaabada oo haya lacagtii uu bixin lahaa, markiiba way u soo jawaabeen, waxaana la hadlay Paul"". Qofka isku sheegay in uu yahay wakiil wuxuu diiday in uu la hadlo Paul, balse waxaa u suurtagashay in uu helo cinwaankiisa Los Angeles, wuxuuna ku dacweeyay booliska. Nasiib darro, waxba laga ma qabanin. Warkii oo kooban sidaas waxaa lacagtooda ku waayay Ochiroo iyo qoyskiisa, inkastoo Paul uu isku dayay in uu u soo dhiciyo lacagtiis. Markii sheekadda ciyaartoygan lagu daabacay wargeyska London Evening standard, waxaa u gurmaday dad badan oo ay ka mid yihiin taageerayaasha kooxda kubada cagta ee Manchester United oo dib u helay lacagtii laga dhacay. Waxaa sidaas lagu badbaadiyay gurigii Ochiroo, inkastoo uu ka niyad jabay sii wadidda ciyaaraha kubadda cagta. Kooxdii uu katirsanaa Ochiroo waxay marar badan la kulantay guuldarro, isagu se wuxuu ku biiray koox hanti leh oo ka dhisan dalkaas oo lagu magacaabo UB city. Waxaa suurtagal in aysan ahayn kooxda Manchester United iyo horyaalka dalka britain ka ciyaari karta, balse magaca Ochiroo waxaa lagu xardhay dhabarka dambe ee funaannada kooxda cusub ee uu ku biiray, waxaana sidaas ku rumoobay riyadii Ochiroo." https://www.bbc.com/somali/war-53512619 +sports Aaden Barre Ducaale: Maka badbaadi doonaa seefta siyaasadeed ee Uhuru iyo kooxdiisa "Maanta ayaa lagu wadaa in la qabto kullan wax looga badalayo hogganka sare ee xisbiga talada haya ee Kenya, Jubilee. Waxaana la hadal hayaa i xilka laga qaadi doono Aaden Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya. Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo tan iyo doorashooyinkii 2013-kii ahaa hogaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka Kenya wuxuu markale wajahaya hubanti la'aan xilkiisa ah. Bilowgii bishan ayey aheyd markii uu Aaden Barre ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka hogaamiyaha aqlabiyadda looga qaado kaddib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha hoggaanka u ah xisbigaasi ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka. Ducaale oo waqtigaas BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sababta uu uga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka. ""Badbaadada Ilaahey ayaa iska leh....kalsoonida golaha baarlamaanka oo maanta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogeen dhib ayay kalsooni ii siiyeen... shaqadii aan ka qabtay xisbiga sida in aan baarlamaanka ku hoggaamiyay, arrimihii dowladda oo aan sidii la rabay uga soo baxay anigoo weliba kalsooni ka heysta xitaa dhinaca mucaaradka,"" ayuu yiri xildhibaan. Haatan waxa soo cusboonaysiiyay arrintan ayaa ah in madaxweynaha Kenya uu beri oo Isniin ah kulan isugu yeeray xubnaha baarlamaanka ku matala xisbigiisa. Walow aanan la shaacin ajandaha shirkaasi, hasayeeshee kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Jubilee, Caleb Kositany, oo la hadlay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in ajandaha uu ""iskacadyahay"" uuna yahay in xilka laga qaado dadka loo malaynayo inay xulafo la yihiin Madaxweyne kuxigeenka Willam Ruto. ""Maalmahan xisbigu waxa uu xilka ka qaadaa dad kuwa kale oo aanan howl kar ahayn ayaana lagu badelaa, marka kulanka Isniinta kuwii hore waxba kagama duwanaanaayo. Waxay u badan tahay in hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Aaden Barre Ducaale la tusi doono albaabka,"" ayuu Caleb Kositany, u sheegay wargeyska Daily Nation. Ben Momanyi oo ka mid ah ah xildhibaannada baarlamaanka Kenya oo markii hore aad ugu dhawaan jiray madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay farriin u muuqanaysay inuu ku sagootinayo Aaden Barre Ducaale. Xildhibaan Aaden Barre Ducaale waxaa kursiga hoggaanka aqlabiyadda baarlamaanka loo doortay doorashadii 2013-kii, waxaana mar kale waqtiga loo kordhiyay doorashadii 2017-kii. Ducaale oo markii uu ka badbaaday mooshin la doonayay in xilka looga qaado BBCda la hadlay ayaa sheegay: ""Toddobo sanno ayaan kursigan hayay. Inshaa-Allaah kuma fadhin dooni marka uu waqtiga dhammaado waan ka degayaa, waxaana ku wareejin doonaa qof kale."" Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya xubnaha sarsare ee xisbiga ayaa soo shaacbaxay markii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu horraantii 2018 isgacanqaadeen hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa muddo dheer ku celceliyay in ay tahay in siyaasiyiinta xisbigiisa oo uu ugu horreeyo kuxigeenkiisa ay diirradda saaraan sidii ay ugala shaqeyn lahaayeen sidii uu uga guul gaari lahaa mashaariicdiisa uu taariikhda dalka ku geli lahaa ayna joojiyaan ololaha waqtigiisa laga soo hormaray. Labadii sanadood ee ugu dambaysayna waxa ay warbaahinta gudaha tabinaysay in xiriirka madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa uu sii xumaanayay. Khamiistii ayey aheyd markii madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto uu daahfuray wax u muuqanayay xarunta laga hagi doono ololaha doorashadiisa 2022, - taas oo uu u bixiyay Jubilee Asili Centre - arrintaas oo uu ku dhaqaaqay kaddib kulan uu la yeeshay xildhibaannada isaga taageersan. Hasayeeshee Aaden Barre Ducaale ayaa meesha ka saaray in kala qeybsanaan uu soo kala dhexgalay xisbiga haya talada ee Jubilee kaas oo dhowaanahanba isbaddallo ku dhawaaqayay taas oo saamaysay dad magac ku lahaa siyaasadda. Ducaale wuxuu ka mid ahaa 212 xildhibaan oo ka qeybgalay kullan uu Uhuru Kenyatta u qabtay xildhibaannada xisbigiisa ka tirsan. Qaar ka mid ah siyaasiyiintii xilalka sare hayay ee kullankaas aan tagin ayaa shaqada laga tuuray. Waxaa uu sidoo kale sheegay in doorashada soo socota marka la gaaro ay shaaca ka qaadi doonaan tallaabada xigta balse haatan ay ku howlan yihiin fullinta ballanqaadkii ay sameeyeen. Haddaba Ducaale, maka badbaadi karaa isbaddallo kale oo lagu sameeyo xisbiga, wuxuu ku jawaabay: ""Labo sanno ayaa soo hartay inta uu baarlamaanka dhammaanayo, labadaas sanno waxaan ku shaqeynayaa si daacad ah oo caddaalad ah, aniga oo waddankeyga ku shaqeynayo, fiirinayana danta guud ee waddanka, ayaan filayo in aan sii shaqeeyo labada sanno ee soo hartay"". Ducaale oo sidoo kale ah xildhibaanka degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dowladda Kenya, marka laga soo tago madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka." https://www.bbc.com/somali/war-53129513 +sports Tartanka horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo dib u bilaabmi doona "Kooxaha Premier League-ga ayaa shir ay shalay ku yeesheen internet-ka oo maqal iyo muuqaal ahaa waxay kaga wadahadleen qaabka loo soo gabagabeyn lahaa xili ciyaareedka 2019/2020 ee haatan socday. Waxyaabaha laga wada hadley ayaa waxaa ka mid ah in kulamada dhiman lagu qabto garoomo dhexdhexaad ah intii taageerayaashu tagi lahaayeen hadba garoon. Qorshaha waxaa ka mid ah in ilaa 10 garoon lagu qabto horyaalka marka dib loo bilaabo ayaa lagu yidhi warar ka soo baxay kulankaasi. Premier League-ga ayaa sidoo kale u baahan doona illaa iyo 40 kun oo qalabka baaritaanada si ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxaha loogu sameeo baaritaan haddii ay noqoto si loo dhamaystiro 92 ciyaarood ee dhiman, kuwaasi oo lagu ciyaari doono garoomo albaabadu u xiran yihiin oo aan loo ogoleyn taageerayaasha. Dhammaan ciyaaraha Kubadda Cagta ee Ingiriiska iyo Yurub oo la hakiyay Ciyaartoyda way ka ""baqayaan"" in ay soo noqdaan - Aguero Xarigga Ronaldinho oo weji cusub yeeshay Kooxaha ayaa muujiyey inay ka go'antahay dhameystirka horyaalka marka baa la yiri ay noqoto ""badbaado iyo inay quman tahay in sidaasi la sameeyo"". Kulankan ayaa daba joogay kulan gaar ah oo uu marti galiyey wasiirka dhaqanka UK kaasi oo ay qayb ka ahaayeen khubaro caafimaad oo ka socday ururo kala duwan oo cayaaraha, dawlada iyo hay'adda caafimaadka dadweynaha u qaabilsan Ingiriiska, iyadoo lagu qaadaa dhigay hirgalinta qorshe dib loogu bilaabayo munaasabadaha cayaaraha. Wakiilo ka socday xidhiidhada kubadda cagta, Rugby-ga, Cricket-ka, orodadda iyo hay'adda maalgalisa ciyaaraha UK ayaa sidoo kale iyaguna qayb kahaa kulankaas. Wasiirka dhaqanka ayaa kulankaasi ku soo bandhigay kulanka sida tartamada ciyaareed ee waa weyn dib loo bilaabi doono iyadoo lagu ciyaarayo garoomada oo albaabadu u xiran yihiin, laakiin marka ay noqon doonto waxay ku xiran tahay talooyinka qubarada caafimaadka. Qaybata cayaaraha ee BBC-da ayaa fahamsan in qaybaha ciyaaruhu aqbaleen in dib loo bilaabo tartamada ay noqon doonto qorshe dheer oo sharaxaad huwan, iyadoo wadaxaajoodkii Jimcihii badi lagu lafa guray dib u bilaabida tababarrada. Tartanka gawaarida ee F1 wakiilo ka socday ayaa sidoo kale ka wada xaajooday mustaqbalka tartanka baabuurta ee British Grand Prix. Masuuliyiinta Premier League-ga ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in tababarada lagu soo laaban karo oo kaliya iyadoo la raacayo hab raaca dawlada. ""Waxaa la isku afgartay in ururka ay leeyihiin ciyaartoyda ee PFA iyo kan tababarayaasha ee LMA, ay xudun u noqon doonaan qorshahan isla markaana lala sameyn doono wadatashi dheeraad ah"" ayaa lagu xusay warsaxaafadeedka ka soo baxay maamulka Premier League-ga. Horyaalka Ingiriiska ayaan la hakiyey 13-kii March, iyadoo kooxda Liverpool ay ku hogaaminaysay xilligaas horyaalka 82 dhibcood, waxaana u dhiman 2 guul oo kaliya inay ku guulaysto Premier League-ga markii ugu horreysay muddo 30 sano. Xubno ka tirsan kooxsa FC Cologne ee Jarmalka oo laga helay fayraska korona Saddex xubnood oo ka mid ah kooxda Cologne ee ka ciyaarta horyaalka Bundesliga Jarmalka ayaa laga helay fayraska corona, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyey war ka soo baxay kooxda, waxaase kooxdu ay sheegtay in ay sii wadi doonto tababarka ciyaaryahanada, sida la qorsheeyey. Kulamada Bundesliga-ha ayaa sida qorshuhu yahay ah tartanka ciyaareed ee ugu weyn ee Yurub ee ugu hooreeya in dib loo bilaabo. Maamulayaasha horyaalka Jarmalka ayaa daboolka ka qaaday in dib loo dhigay dib u bilaabashada horyaalka ee horey loo iclaamiyey 9-ka May, balse dawlada ayaa dib ugu dhigtay 16-ka May ama 23-ka May. Warsaxaafadeed ka soo baxay kooxda Cologne ayaa lagu sheegay in dadka laga helay cudurka ay ku jiri doonaan is karantiimayn 14 maalmood ah. Khamiistii Ra'isalwasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in go'aanka dib u bilaabida horyaalka Bundisligaha la qaadan doono maalinta Arbacada ah ee 6-da bisha May. Horyaalka Jamralka ayaa hakad ku jira tan iyo bartamihii March taasi oo ay u tahay sabab faafitaanka cudurka Covid19. Kooxda Cologne ayaa ku jirta kaalinta 10-aad eek ala horreynta horyaalka." https://www.bbc.com/somali/war-52515122 +sports Toddobo ciyaartoy oo iyagoo laga samray kusoo laabtay kubbadda kaddibna wacdaro dhigay "Hal sano ka hor, 12-kii bishii Juun ee sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii uu Christian Eriksen miyir beelay kaddib markii xanuun dhanka wadnaha ah uu kusoo booday, waxaana garoonka looga saaray bareelle. Waxa uu ciyaartoygan si lama filaan ah istaagga uga dhacay xilli ay socotay ciyaar ay xulkiisa qaranka ee Denmar la yeesheen xulka qaranka Finland. Taageereyaasha kubbadda cagta oo dhan ayaa ka naxay arrintaas, waxaana laga baqayay in noloshiisa ay halis gasho. Markii kooxda Inter Milan oo ka dhisan Talyaaniga ay meesha ka saartay heshiiskii uu kula joogay bishii Diseembar ee 2021-kii, dad yar ayaa shaki ka qabay inuu awoodi doono inuu ku noolaado nolol caadi ah, iskaba daa inuu mar kale ciyaaro kubbadda cagta. Laakiin, xiddigan 30 jirka ah ayaa dib ugu soo laabtay garoomada kubbadda cagta, isagoo xiran maaliyadda kooxda Brentford ee ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska, waxa uuna soo bandhigay qaab-ciyaareed cajiib ah xilli-ciyaareedkii hore, taas oo keentay in ay Man United ku qanacdo saxiixiisa. Soo laabashada Eriksen ayaa laga yaabaa inay noqoto tii ugu layaabka badnayd ee kubbada cagta, laakiin isaga ka hor waxaa jiray ciyaartoy ku soo laabtay garoomada kaddib dhaawacyo halis ah ama xanuuno naftooda halis galiyay. Waxaan maqaalkan kusoo qaadanaynaa qaar ka tirsan ciyaartoydii kale ee ugu cajiibsanaa. Haddii aad filim ku arki lahayd sheekadan waxaad ku doodi lahayd in aysan macquul ahayn oo aysan u qalmin in xitaa la male-awaalo. Waayo dad badan ma rumaysan karaan. Ciyaaryahanka u dhashay Argentine, Jonas Gutierrez ayaa laga daweeyay kansarka xaniinyaha bishii Oktoobar ee sanadkii 2015, waxa uuna ka maqnaa kooxdiisa Newcastle muddo 18 bil ah. Waxa uu ku soo laabtay xirfadda kubbadda cagta, waxa uuna door muhiim ah ka qaatay dagaalkii ay kooxdiisa uga badbaadday halistii ay ku gashay inay ka baxdo horyaalka heerka koowaad sanadkii 2015-kii, hoos-u-dhac ciyaareed awgiis. Wacdaraha uu dhigay waxaa si wayn looga xusuustaa gool taariikhda galay oo uu ka dhaliyay kooxda West Ham maalintii ugu dambaysay ee gabagabada horyaalka, kaasoo ahaa goolkii badbaadiyay Newcastle. Waxa uu ka tagay Newcastle dhowr toddobaad kaddib isagoo horumar wayn ku faanaya. Daafacii hore ee xulka qaranka France, Eric Abidal, ayaa awooday in uu ka takhaluso buro beerka uga taallay, labo bil oo keliya kaddib waxa uu ku guulaystay abaalmarinta ugu wayn ee kooxaha Yurub. Bishii Maarso 2011, qaybta bidix ee dhabarka ayaa looga sameeyay qalliin saddex saacadood qaatay si dhaqaatiirta ay burada uga soo saaraan jirkiisa, laakiin xawaaraha soo kabsashadiisa ayaa ahaa mid yaab leh. Abidal ayaa ciyaaray gabi ahaan waqtigii finalkii Champions League ee ay Barcelona guusha ka gaartay Manchester United isagoo soo bandhigay qaab-ciyaareed cajiib ah. Sanadkii xigay, kaddib dhibaatooyin ka yimid qalliin hore, Abidal waxa uu ku khasbanaaday in laga beddelo beerka, uuna soo afjaro xirfaddiisa ciyaaraha si uu u helo caafimaad buuxa. Hase yeeshee, labo xilli-ciyaareed oo kale ayuu u ciyaaray kooxaha Monaco iyo Olympiakos, wuxuuna garoomada ka fariistay sanadkii 2014. Petr Čech oo lagu tilmaamay mid ka mid ah goolhayeyaashii ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa sanadkii 2006 ku dhawaaday geeri. Isagoo markaas u ciyaarayay kooxda Chelsea waxa ay jug halis ah kasoo gaartay xilli uu isku dayay in uu bixiyo kubbadda uu watay xiddigga kooxda Reading, Stephen Hunt. Čech ayaa madaxa ka jabay, markii qalliin lagu sameeyay kaddibna waxa uu sheegay in uusan waxba ka xusuusanin shilkaas. Saddex bil kaddib waxa uu dib ugu soo laabtay garoonka isagoo xiran koofiyadda madaxa ilaalisa, taasoo uusan waligiis siibin ilaa ciyaartiisii ugu dambaysay ee xirfaddiisa. Inkastoo uu dhaawacaas daran yahay haddana goolhayahan u dhashay dalka Czech Republic ayaa sii watay wacdarihiisa kubbada cagta. Waxa uu awooday in uu ku guulaysto afar horyaal oo Premier League ah, hal horyaal oo kubbadda cagta Yurub ah, afar koob oo FA-ga Ingiriiska ah, saddex koob oo League Cup ah iyo hal horyaal oo Europa League ah. Raúl Jiménez, sida Petr Čech, waxaa soo gaaray jab madaxa ah. Bishii Nofeembar ee sanadkii 2020 ayuu weeraryahanka xulka qaranka Mexico iyo kooxda Wolves miyir-beelay kaddib markii ay isku dhaceen isaga iyo daafaca Arsenal David Luiz. Jiménez ayaa garoonka dhexdiisa lagu siiyay ogsijiin ka hor inta aan la saarin bareello. Badbaadadiisa waxa ay dhaqaatiirtu ku sheegeen arrin ""mucjiso"" ah. Garoomada tababarka waxa uu ka maqnaa muddo lix bil ah, waxaana marar badan lagu sameeyay baaritaanno dhanka maskaxda ah si loo ogaado inuu awood u leeyahay inuu sii wato ciyaarista kubbadda cagta. Raúl ayaa ku soo laabtay garoonka siddeed bil kaddib dhacdadaas, isagoo la billowday xilli-ciyaareedkii 2021-22. Ciyaaryahankan ayaa sanadkaas dhaliyay 10 gool waxaana uu caawiyay 4 gool, si kooxda Wolves ay ugu dhameysato ​​kaalinta 10-aad ee horyaalka England. Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Faransiiska, una soo ciyaaray kooxaha Liverpool, Sunderland iyo Queens Park Rangers, ayuu dhaawac daran ka soo gaaray lugaha oo uu labo jeer ka jabay. Dhacdadii ugu horreysay waxay ahayd kulankiisii ​​19-aad ee Liverpool. Bishii Oktoobar ee sanadkii 2004, waxa uu jabay markii cagtiisa ay qabsatay cawska isagoo loollan kula jira daafaca kooxda Blackburn, Jay McEvely. Cissé, oo 41 kulan u ciyaaray xulka qaranka Faransiiska, ayaa la filayay inuu garoomada ka maqnaado ilaa dhamaadka xilli-ciyaareedka, laakiin waxa uu soo laabtay ka hor waqtigii loo qorsheeyay oo ahaa bishii Abriil ee sanadkii 2005. Waxa uu garoomada dib ugu soo laabtay iyadoo shan bil iyo bar kaliya ay ka soo wareegtay dhaawaciisa. Cissé lugtiisa ayaa mar kale jabtay; Markan waa ciyaartii ugu dambeysay ee France oo u socota Koobka Adduunka ee 2006 ee lagu qabtay Jarmalka. Dhacdadan ayaa la sheegay inay dib u dhigtay u dhaqaaqistiisa joogtada ah ee kooxda Club Olympique de Marseille. Liverpool ayaa ugu dambeyntii oggolaatay inuu amaah uga tago Cissé waxa uuna awooday inuu u ciyaaro kooxda Faransiiska ka dhisan bishii December ee 2006-dii. Cisse waxa uu u soo ciyaaray 11 koox oo kala duwan. Ugu dambayn waxa uu bishii Sebtember ee 2021 kusoo laabtay kooxda Marseille isagoo tababare dhallinyaro ah. Dhaawaca xun ee Achilles waxa uu sababay kaliya ma ahayn in tayada Cazorla aysan u soo bixin sidii la rabay, laakiin sidoo kale waxay shaki galisay awooddiisa inuu mar kale socdo. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kasoo jeeda dalka Spain ayaa dhaawac jab ah oo aad halis u ah galay mar uu ciyaarayay kulan saaxiibtinimo oo dhex maray Spain iyo Chile, bishii Sebteembar ee sanadkii 2013. Waxa uu jab ka gaaray mid ka mid ah lafaha yar yar ee anqowga isagoo ku jiray hardan aan halis ahayn. Dhaawacaas ma ahayn mid halis ah oo ka joojin kara inuu ciyaaro, laakiin dhowr bil kaddib Cazorla wuxuu la dhibtoonayay xanuun ""maalin kasta hayay"" waxaana ugu dambeyntii laga saaray bishii Oktoobar ee 2016-kii ciyaartii Champions League ee Ludogorets. Qalliinno gaaraya 11 oo aad u wanaagsan ayaa daba socday. Cazorla ayaa loo sheegay in uu aad u farxo haddii ay mar dambe xitaa u suurtagasho in uu lugihiisa ku socdo. Cazorla waxa uu dib-u-dhis dhamaystiran ku sameeyay maqaar ka soo baxay cududdiisa bidix bishii May ee sanadkii 2014, iyada oo howshaasi qayb ka mid ah ay tahay sababta uu ku yimid tattoo-ga gacantiisa sidoo kale loo wareejiyay lugtiisa midig. Cazorla ayaa sii joogay Arsenal ilaa dhamaadka qandaraaskiisa bishii May 2018, markaas oo uu dalab ka helay kooxda Villarreal oo ah kooxdii uu ka soo billaabay xirfaddiisa ciyaareed. Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Al Sadd Qatar." https://www.bbc.com/somali/articles/cq5vd80e79ro +sports Tartamayaasha ciyaaryahanka Afrika ee BBC-da ee 2021 oo la shaaciyay "Waxaa lagu dhawaaqay ciyaartooyda u tartameysa laacibka Afrika ee BBC-da sanadkan 2021-ka. Lixda ciyaartoy ee ku tartameyso abaal-marintan ayaa waxaa doortey koox saxafiyiin ah oo ka kala socda Afrika iyo Ingiriiska. Guddiga waxay xulashadoodan ku saleyeen guulaha ay ciyaartooyda Afrikaanka ah ka gaareen ciyaaraha caalamiga ah ee sanadkan intii u dhexeeysay January iyo September. Sidoo kale waxaa la tixgaliyay saameynta guusha ciyaartooyda ka baxsan bahda Isboortiga. Ciyaartooyda lasoo xushay ee tartameysa waxay kala yihiin: Halkan hoose waxaad ka heli kartaa xofd dheeraad oo ah ku saabsan ciyaartooyda lasoo xushay, waxaana halkan uga codeyn kartaa ciyaartooyda lagu dhawaaqay. Codbixinta waxay xirmaysaa 23:59 GMT ee Axadda, December 19, waxaana qofka ku guulaysta abaal-marinta lagu dhawaaqi doonaa Jimcaha, 7-da January 2022-ka iyadoo laga sii dayn doono telefiishanka iyo raadiyaha Focus On Africa iyo barta internetka ee BBC Sport. Fadhlan Halkan ka codee Dalka uu kasoo jeedo: Kenya, da'diisa: 37, shaqadiisa: Orodyahan Waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay orodyahankii ugu fiicnaa marathon-ka abid iyo sanadkan, Eliud Kipchoge waxa uu sii xoojiyay maqaamkiisa in ka badan 26.2 mayl ka dib markii uu ku guuleystey dahabkiisii ​​labaad ee isku xiga ee tartanka Olombikada. Waxaa qofkii saddexaad ee difaacda kaalinta uu ka galay tartanka orodka Marathon-ka, Guddiga Olombikada Adduunka ayaa u magacaabay orodyahanka ugu wanaagsan ragga. Guushii u ka gaaray tartankii Tokyo waxay uga dhigan tahay inuu ku guuleystay 13 kamid ah 15 marathon oo waaweyn oo uu orday tan iyo sanadkii 2013, wuxuu ka dhigay wacdaro tartankii ka dhacay Berlin 2018 oo uu ku orday 2:01:39. Isago o 36 jir ah ayuu noqday orodyahankii ugu da'da weynaa ee ku guuleysta tartanka marathon-ka tan iyo orodyahankii u dhashay Bortuqiiska sanadkii 1984 kaas oo 37 jir ahaa oo isagana guul taariikhi ah gaaray. Dalka: Kenya Da'deeda: 27 shaqadeeda: Orodyahan Faith Kipyegon ayaa dhigtay rikoorka Olombikada ee Tokyo iyadoo daafacatay horyaalka 1500m ee ay markii ugu horreysay ku guuleysatay tartankii Rio de Janeiro ka dhacay 2016. Dadaalkeeda wuxuu ahaa mid aad u muhiim ah maadaama Kipyegon ay tahay cayaaryahanka saddexaad ee haysta tartanka Olombikada kadib markii ay umushay. Ka hor tartanka Tokyo waxay dhigtay rkoor cusub oo ay ku hoggaamisay iyadoo ku orodday 3:51.07. Ka dib rikoorkeedii Olombikada, waxay hadda beegsaneysaa rikoorka adduunka. Dalka: Koonfur Afrika Da'diisa: 19 shaqada: orodyahan Ntando Mahlangu wuxuu ku guuleystay biladdii ugu horeysay ee tartanka orodka dadka naafada ah isagoo 14 jir ah, wuxuu ku guuleystay tartankii ka dhacay Brazil. Sanadkan wuxuu hantay bilad dahab ah markii uu ku guuleystay tartanka orodka dadka naafada ah ee 200 miitar iyo tartankii bootinta dheer ee ka dhacay Tokyo., wuxuu tartankaas dhigay taariikh cusub oo bootinta dheer ah. Orodyahankan mustaqbalka leh ee lugta laga gooyay ayaa bishii April wuxuu dhigay rikoor cusub kaas oo ku saabsanaa in uu ku orday 22.94s tartanka 200 m ee ragga. Dalka: Namibia da'deeda: 18 shaqada: Orodyahan ""Tartankii ugu fiicnaa ee isoo mara nolosheyda"" ayay tiri Christine Mboma oo ka hadleysay natiijadii ay ka keentay tartankii ka dhacay Tokyo 2020-ka, waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee kasoo jeedda Namibia ee kasoo muuqata tartanka olimbikada. In guuleysato biladdii ugu horreysay iyadoo 25 jir ah xilli ay qaadatay biladda maarta kadib markii ay ku guuleysatay tartanka 200m, Moboma waxay ku orodday 21.81 ilbiriqsi- waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee rikoorkan jebisa iyadoo 20 jir ah. Waxay noqotay orodyahankii ugu wanaagsanaa tartanka 200m ee ka dhacay magaalada Zurich. Gabadhan 18 jirka ah waxay haatan diiradda saareysaa tartanka 200m kadib markii guddiga caalamiga ah ee ciyaaraha fudud uu ka hor istaagay tartanka 400m sababa la xiriira hormoonka dabiiciga ah ee testosterone oo aad ugu sarreeyo jirkeeda. Dalka: Senegal da'diisa: 29 shaqada: Goolhaye-ciyaaraha kubadda cagta Goolhaye Edouard Mendy ayaa wacdaro ka dhigaya garoonka Stamford Bridg kadib markii kooxda Chelsea uu kaga soo biiray kooxda ka dhisan Faransiiska ee Rennes bishii September 2020-ka, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay guushii kooxda ka dhisan galbeedka London ee Champions League ay gaartay bishii May. Waxa uu ilaashaday rikoor u dhigma sagaal kulan oo nadiif ah oo aan kooxdiisa waxbo laga dhalin xilli uu socda ciyaaraha horyaalka Ingiriiska, Mendy ayaa sidoo kale taariikh sameeyay isagoo noqday goolhayihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee dheela ciyaaraha horyaalka Yurub, waana goolhayihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee kasoo muuqda ciyaaraha Yurub tan iyo markii uu ciyaaraha kasoo muuqday Bruce Grobbelaar oo u dhashay dalka Zimbabwe sanadkii 1985. Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay Mendy wax gool ah lagama dhalin horyaallada Ingiriiska iyo Yurub taas oo horseeday in loo soo xusho goolhayaha sanadka 2020-2021 ee ciyaaraha Yurub. Xiriirka kubadda cagta ee Yurub ayaa Mendy usoo xushay goolhayaha ugu wanaagsan ee FIFA ee sanadka 2021-ka, laakiin goolhayahan qaaday koobka FA Cup bishii May ayaa dhawaan waayay inuu ku guuleysto abaalmarinta Yashin Trophy ee majaladda France Football ee lagu abaalmarinayay goolhayaha ugu fiican Yurub. Dalka: Koonfur Afrika da'da: 24 shaqada : tartanka dabbaasha Tatjana Schoenmaker waxay guul kasoo hoyisay tartankii dabbaasha ee lagu qabtay Tokyo, waxay ku guuleystay bilado maar iyo dahab ah, waxay sidoo kale rikor cusub ka dhigtay tartamada dabbaasha ee 200m iyo 100m. Waxa ay ku guulaysatay biladda Olombikada ee ugu horreysay ee Koonfur Afrika ee dabbaasha dumarka tan iyo 2000, waxayna soo afjartay 25 sano oo waddankeeda uu sugayay abaalmarinta dahabka tartanka dumarka ee dabbaasha iyadoo gashay kaalinta koowaad ee 200m ee finalka. Schoenmaker waxay sanadkii 2016-kii mar ku sigatay inay iska dhaafto ciyaarahan kadib markii uu seegay tartankii is reebreebka ee Rio, wixii intaa ka dambeeyay waxay ku guuleysatay tartamo caalami ah iyo kuwa gobolka ah , waxay heshay bilado isugu jira maar iyo dahab. ""Caqabadda haatan i hor taalla waxay tahay, sidii aan nolosheyda wax uga baddali lahaa, waan ku faraxsanahay halka dabbaasheyda y ku wajahantahay"" ayay tiri." https://www.bbc.com/somali/war-59550326 +sports Maxaa ku khasbaya xiddiga tartanka garka ee Mareykanka inuu hadda garkiisa xiiro? "Michael J Johnson waxaa uu leeyahay gar weyn oo xitaa gaarayo xabadkiisa, dadka qaar waxay garkiisa ku tilmaamaan 'sida geesaha lo'da' oo kale. Xitaa ninka wuxuu garkiisa u horseeday in abaal marinno badan la guddoonsiiyo, waxaa uu afar jeer ku guuleystay tartanka garka ee qaranka Mareykanka. Muddo siddeed sanno ah ayuu shaqeynayay xilli uu qabay garkan dadka badan ka yaabiyay balse haatan oo uu dunida saameeyay cudurka Corona waxaa laga yaabaa in garkan lagu qasbo in uu iska jaro maadama uu yahay qof shaqaale ah isla markaana uusan xiran karin maaskarada garka dartiis. ""Waxaan leeyahay garka ugu adag uguna dheer dunida"" ayuu yiri Michael J Johnson. Waxaa uu sheegay in dadka marka ay arkaan garkiisa ay siyaabo kala duwan uga hadlaan, sida in garkiisa uu yahay sida 'Geesaha Gisida' halka carruurta ay u arkaan 'sida Moos labada dhinac ee wajiggiisa kasoo lusha"" Waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in garkiisa uu wakhti badan ku bixiyo si u hagaajiyo isla markaana uu usoo bandhigo quruxdiisa. ""Garka markii hore waan necbaa, ardeyda Iskuulkii aan la dhiganayay ayaa igu shactireysan jiray"" Waxaa uu ka sheekeynayaa dhibaatadii uu kala soo kulmay garkiisa ""Maalin ayaan doonayay in sakiin aan kasoo iibsado dukaan balse waxay igu yiraahdeen qof da' yar baad tahay, ma aysan dooneyn inay iga iibiyaan sakiinta"" Michael J Johnson ayaa sannadkii 2009 ku dhiiraday in uu ka qeybgalo tartanka qaranka ee garka ee dalka Mareykanka kaddib markii uu arkay sawirrada dadka garka leh oo la baahinayo. Waxaa uu sheegay in maalin kasta ""uu garkiisa howl ku bixiyo si uu uga dhigo mid siman oo muuqaal soo jiidasho leh"" ""Ma ogaan kartid waxa aad daaysaneyso ilaa inta aad ka sameyneyso isku day ku addaan arrintaas"" ayuu yiri Michael 'MJ' Johnson. Darawal xeelad la yaab leh ku maray waddo gaar u ah gaadiidka rakaabka sida Coley Maxamed: Taageeraha ugu daacadsan kooxda K/cagta Waaberi Trump oo bixiyey amar dad badan ka careysiiyey Haatan waa nin si weyn loo yaqaano maaddaama uu ku qeybgalay tartamo badan ay ka soo muuqdeen dadka leh garka qeyru caadiga ah balse waxaa uu ku rajo weyn yahay in guulo kale uu kasoo hoyiyo arrintani. Michael J Johnson garkiisa kaliya ah uma adeegsado in uu dadka kaga qosliyo balse waxaa uu ka sameeya lacag. ""Runtii lacag ayaan ka sameeyaa"" Sannadkii 2011-kii, Johnson waxaa uu sameeyay naadi ay ku mideysan yihiin garleyda reer Minneapolis kuwaas oo bil kasta yeesha kulan ay uga hadlayaan dhaqankan iyo sidii ay ku xoojin lahaayeen tartamada ku saabsan garka." https://www.bbc.com/somali/war-53221397 +sports Messi oo markii lixaad noqday laacibka dunida. "ciyaartoyga Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay, ciyaartoyga ugu fiican ee billadda ay bixiso Fifa, taas oo lagu guddoonsiiyey Milan.Wuxuu ka qaaday ciyaartoyga reer Juventus ee Cristiano Ronaldo iyo ka Liverpool ee Virgil van Dijk. Waa markii lixaad ee Messi loogu codeeyo ciyaartoyga u fiican dunida. Tabbabaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa isna ku guulaystay tababaraha ugu fiican sanadka. kooxda Liverpool ayaa ku garaacday koobka Horyaallada Yurub ee Champions League, ciyaartii kama dambaysta ahayd ee June qabsoontay. Iyagoo sida kalena kaalinta labaad ka galay horyaalka ingiriiska xilli ciyaareedkii 2018-2019. Kooxda Liverpool ayaa sidoo kale ku guulaystay lix ciyaarood xilli ciyaaredkan bilawga ah ee 2019-2020. ""Waxa ay ahayd sarrayn, qofna ma uusa fileyn labaatan sano, toban sano, shan sano, afar sano ka hor inaannu halkan soo istaagi doonno"" ayuu Klopp. Waan kuu ognahay, shaqadii wanaagsanayd ee qabatay adigu [Mauricio Pochettino] iyo weliba Pep. Waa inaan idin idhaahdaa Mahadsanidiin naadigaygii Liverpool' ayuu kusii daray. goolhayaha kooxda Liverpool Allison ayaa isna ku guulaystay oo qaatay billadda la siiyo goolhayaha ugu fiican. Isagoo billaddan kaga guulaystay goolhayaayaasha kooxaha Manchester City Ederson iyo goolhayaha kooxda Barcelona Marc-andre ter Stegen" https://www.bbc.com/somali/war-49792348 +sports Maxaa ka jira in Arsene Wenger uu doonayo in uu tababare u noqdo kooxda Manchester United? "Tababarihii hore ee kooxda Arsenal, Arsene Wenger oo horay uga tegay kooxdaas kadib markii uu ku guuldareystay in wax guul ah uu usoo hoyo kooxdaas dhowr sano ayaa wareysi uu siiyay telefishenka Bein Sport waxaa uu kaga hadlay in uu doonayo in markale uu dib ugu soo labto shaqadii tababaranimada ciyaaraha kuabada cagta. Inkastoo Arsene Wenger uusan si toos ah ugu lug laheyn ciyaaraha ayaa hadana muddooyinii dambe waxaa uu ahaa fallanqeeye dhanka ciyaaraha, oo waxaa ka soo muuqday Telefeishenada baahiyay ciyaaraha. Dhawaan ayuu carabka ku dhufta in uu daneynayo in uu dib ugu soo laabto ciyaaraha, isagoona soo jeediyay talooyin ku aadan kooxda Manchester United ee uu loolanka ka dhaxeeyay in mudo ah. ""In tababare laga noqdo kooxda Manchester United waa riyada qof walba oo tababare ah, ugu yaraan tababare walba oo leh dhiiranaan iyo kalsooni , United waxaana u arkaa inay tahay koox wax iska caabin karta, mana ahan sida dadka ay u maleeyaan "" . Sidaas waxaa telefishenka ciyaaraha ee Bein Sport u sheegay Arsene Wenger. Kooxda Manchester ayuu sidoo kale sheegay inay u baahan tahay ciyaartoy wax ku ool ah, iyo tababare wax kusoo kordhiya. Mar wax laga weydiiyay in uu daneynayo in kooxda Manchester United uu tababare ka noqdo ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba ku jabneyn. ""Sida aan horay u sheegay ba, kooxda Manchester United waa riyada tabababre walba, aniguna waan isku kalsoonahay, dabcan haa oo talooyin badan ayaa hayaa"", ayuu raaciyay. Wargeyska The Mirror Sport ayaa kusoo warramay in Wenger uu sidoo kale aqbalay in uu qeyb ka noqdo guddi farsamo oo la shaqeeya xiriirka kubada cagta adduunka ee FIFA. 69 jirkan ayaa u muuqda in uu daneynayo in uu wali kusii nagaado maamulka ciyaaraha kubada cagta, inkastoo hadana la sheegay in uu aqbalay dalabka cusub. Walow aan la fahfaahinin waxyaabaha looga baahan yahay shaqada uu qaban doonaa ayaa hadana waxaa la sheegay in FIFA ay dooneyso inay ka faaideysato aqoonta iyo khibrada uu leeyahay. Wenger ayaa tan iyo intii uu ka tagay kooxda Arsenal, waxaa uu fallanqeeya dhanka ciyaaraha ka ahaa telefishenka Bein Sports ee laga leeyahay dalka Qatar ee baahiya ciyaaraha, waxaana uu dhowr jeer bogaadiyay teknoljiyadda loo adeegsada ciyaaraha, si looga hortago khaladaadka." https://www.bbc.com/somali/49835661 +sports Soddon sano ka dib kooxda liverpool waa horyaalka koobka ingriiska Waxaa xalay soo afjarmay soddon sano oo Liverpool ay sugaysay horyaalka England ka dib markii ay 23 dhibcood ka sara martay Manchester City oo guuldaro 2-1 ay kala kulantay Chelsea. Kooxda uu hogaamiyo Jurgen Klopp ayaa u baahnaa hal guul oo ay ku guulaystaa horyaalka, waxaase taasi u fudadeeyey guuldarada City taasi oo ka dhigan in todobada ciyaar ee dhiman aanay Man City soo qaban karin Liverpool. Koobkan ayaa noqonaya kii 19-aad ee Liverpool ay qaado, waxaase uu noqonayaa kii ugu horeeyey tan iyo xilli ciyaareedkii 1989-1990. Laakiin, inkastoo ay saddex bilood sugayaan in ay u dabaaldegaan guushan sababo fayraska Karona taageerayaa ayaa waxaa u sheegay inay guryaha joogaan duqa magaalada Liverpool. Iyadoo masiibada caalamiga ah ay saameysay nolasha dalka Ingiriiska iyo dalalka kale waxaa hakad uu ku yimid ciyaarihii horyaalka, waxayna taasi ku abuurtay walwal iyo walbahaar taageerayaasha Liverpool in horyaalkii ugu horreeyey muddo soddon sano uu halkaasi ku libdho, maadaama ay jireen soo jeedin aheyd in ciyaaraha gabi ahaanba la iska dhaafo, iyadoo aan cidina koon ku guulaysan. Nasiib wanaag waxay taageerayaasha iyo ciyaaryahanada Liverpool rajadu u soo laabatay bishan ka dib markii labaatanka kooxood ee horyaalka Ingiriiska ka ciyaareen iyo dawladu isku raaceen in ciyaaraha dib loo bilaabo. Liverpool oo xilligan ah horyaalka aduunka maadaama ay ku guulaystay koobka kooxaha aduunka, koobka horyaalada Yurub waxay sidoo kale caawa noqotay horyaalka Ingiriiska, wallow guushaas ku naaloonaysay Liverpool waxaa u ahaa yoolka koowaad koobka Primer League-ga oo aanay waligeed qaadan tan iyo markii magacan loo badalay 1993-kii. Liverpool ayaa hadda waxay xooggaa saaraysaa inay hesho dhibco ka badan 100-kii dhiboocd ee Manchester City horyaalka ku qaaday sanad ka hor, waana kooxda dhibcaha ugu badan ku qaaday koobka. Ciidanka tababare Klopp ayaa soo bandhigay mid ka mid ah hannaan ciyaareedkii ugu xusuustaa Premier League, waxay 86 dhibcood ka urursadeen 28 guul oo ay heleen, laba dhibic oo barbardhac ah, iyagoo hal mar oo kaliya laga badiyey 31 ciyaar. Liverpool wallow aanay horyaalka Ingiriiska ku qaadan 30 sano haddana waxay ku guuleysteen muddadaas saddex FA cup, afar koobka League cup-ka, Uefa Cup, laba mar oo Champions League-ga ah, saddex mar Super Cup iyo hal mar koobka kooxaha aduunka. Tababaraha reer Jarmal ayaa Liverpool qabtay October 2015-tii iyadoo kooxdu ku jirtay kaalinta 10-aad, waxaana ay caawa uu u qaaday horyaalka Ingiriiska. https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-53188982 +sports Peter Webster: 80-jirka isu diyaarinaya inuu ka fariisto kubadda cagta "Peter Webster oo ah British aad u jecel kubadda cagta ayaa waxa uu maanta ka fariisan doonaa ciyaaraha, iyadoo ciyaartiisii ugu dambaysay ee adag uu ku dheeli doono iyadoo ay da'diisu tahay 80 sanadood. Ninkan oo ku nool magaalada Wollongong ee waddanka Australia, ayaa sheegay in muddaba uu ogaa in ciyaaraha uusan wax badan ku biirin halka xilliyadii hore uu aad uga dhexmuuqan jiray. ""Sanadihii la soo dhaafay ayaan maanka arrintaas ku hayay,"" ayuu BBCda u sheegay. ""Ciyaaro badan waxaad ciyaari kartaa markaad niyadda ku haysid, 'Marka in booska aan ciyaartoyda kale ka buuxiyo sax ma ahan'. Waa inaad is og tahay."" Mr Webster ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Preston, England, hasayeeshee waxa uu u guuray Wales 1948. Waxa uu ciyaaraha tartamada adag bilaabay isagoo 15-jir ah, markaas oo uu iskuulka ka dhigtay meel lagu dheelo ciyaaraha rugby-da. Ciyaaryahankan ayaa da'diisu markii ay aheyd 20-yadii ilaa 30-yadii waxa uu hore ugu soo dheelay kooxo badan oo ka dhisan horyaalka Welsh, ka hor inta isaga, xaaskiisa Moira iyo saddex carruurta ah aanay u guurin Australia 1981. Mr Webster ayaa sheegay inuu la yaabay inuu ogaaday in kubadda cagta ay aad ugu horumarsantahay waddanka Australia, uuna jawigaas kulul si wanaagsan ugu dheeli karo. Mr Webster ayaanan ka fariisanayn ciyaarihii uu u dheeli jiray kooxda Wollongong's Figtree Football Cub ee sidoo kale waxa uu ka fariisanayaa jagadii kale ee uu hayay ee ninka garoonka u qaabilsanaa kooxdaasi. Waxa uu qorsheeyay inuu waxoogaa ka soo hormaro waqtiga ciyaarta habeenka Jimcaha ee ay la yeelanayeen kooxda Russel Vale, oo ah kooxda hoggaanka horyaalka haysa, markaas oo uu usoo hormaray si uu shabaqa ugu sii xiro goosha. Waxa uu intaasi ku daray inuu la hadlo doono kooxda ay la dheelayaan si uu u xaqiijiyo in aanay ciyaarta u fududayn, ayuu intaasi ku daray. ""Sanadahaygii iigu horreeyay markii aan dheeli jiray, waxaan soo kici jiray Axadda ciyaarta kaddibna waxa isoo gaaro Isniintaba way i dhaafi jireen. Haatanse illaa Sabtida kale ayaan dareemayaa jugta isoo gaartay."" Mr Webster ayaa ah halyey ciyaaraha deegaankaasi oo xitaa waxaa jira tartan isaga loogu magacdaray oo loo bixiyay Peter Webster Cup. Mr Webster waxaa uu sheegay in uusan hubin waxa uu dareemi doono kaddib marka uu ka qeybgalo ciyaarta kama dambeysta ee uu dheelayo, balse waxaa uu rajeynayaa in uu kusii jiri doono ciyaaraha oo uu ciyaartoyda kooxdaas la sii tababaran doono. Waxaa kale oo uu rajeynayaa in uu daawado ciyaaraha kubada cagta ee ay dheeli doonaan caruurta uu awoowaha u yahay iyadoo markii hore uu lumiyay fursad uu ciyaarahaas ku daawan lahaa maxaa yeelay keligii ayaa meel gaar ku tababaran jiray. Xaaskiisa waxaa ay sheegtay inay sugeyso in saygeeda uu qabto hawla badan oo dhinaca guriga ah. Maamulaha sare ee kooxda kubadda cagta ee Figtree, Mike Dodd waxaa uu sheegay in wax qabadkii Mr Webster uu ahaa mid loo riyaaqay." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-54382774 +sports Xagguu u socdaa Cristiano Ronaldo? Xiddigga kubbadda cagta ee Cristiano Ronaldo ayaa ka tegay kooxda Manchester United, ka dib waraysigii uu bixiyay todobaadkii hore ee uu kaga hadlay arrimo xasaasi ah. Waraysigaas oo uu Ronaldo ku dhaliilay tababare Erik ten Hag, milkiilayaasha naadiga iyo weliba laaciibiin hore oo ay ka mid yihiin Gary Neville iyo Wayne Rooney ayaa waxa uu soo dedejiyay in maamulka Man United ay go’aan ka gaaraan laaciibkan ka midka ah kuwa ugu magaca dheer kubbadda cagta. Qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warrantay in maamulka naadiga uu mar ku fekeray inuu cayriyo Ronaldo, ka dib na uu maxkamad la tiigsado arrimaha uu waraysiga ku sheegay awgood. Ronaldo oo August 2021 ku soo noqday Manchester United ayaa wadar ahaan u dhaliyay 145 gool 346 kulan oo uu u saftay.  Waxa uu ka mid yahay xulka Bortaqiiska ku matalaya Koobka Adduunka ee ka socda Qatar. Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand ayaa sheegay in go’aanka uu dan u yahay kooxda iyo Ronaldo qudhiisa. “Waxaa iska cad in Cristiano uu waraysigaa bixiyay si uu u muujiyo dhibaatada uu ku qabo kooxda, waxaana uu doonayay inuu ka tago. Dhinaca kale, waxay ila tahay in Erik Ten Hag uu helay wixii uu doonayay. Marka labada dhinacba waa ay ku faraxsan yihiin go’aanka,” ayuu BBC-da u sheegay Ferdinand. Ronaldo ayaa sida muuqata ka carooday qaabka uu ula dhaqmay tababaraha cusub ee Manchester United oo kulamo dhowr ah uga tegay kursiga keydka. Haddaba maadaama uu Ronaldo yahay laacib aan haysan koox uu u ciyaaro, muxuu noqon karaa mustaqbalkiisa kubbadda cagta? Wareysigii uu dhawaan bixiyay waxa uu ku sheegay in uu ciyaaraha ka fariisan doono haddii uu ku guuleysto Koobka Adduunka. Dabcan waxa uu heystaa fursad uu riyadaas ku rumeyn karo, haddana waxa uu hoggaan u yahay xulkiisa qaranka oo Qadar uga qeyb galaya tartanka Koobka Adduunka ee 2022. Laakiin hadalkaas waxa ay dad badan u fasirteen kaftan, waxaana la aaminsan yahay in Ronaldo ay weli u dhiman tahay ciyaar. Dhowr koox ayaa la saadaalinayaa inay doonayaan laaciibkan goolasha ugu badan ka dhaliyay kubbadda cagta adduunka. Waxaa kamid ah: Bayern Munich Kooxdan ka dhisan Jarmalka ayaa la saadaalinayaa inay kamid tahay kooxaha waaweyn ee ka faa’iideysan kara Cristiano Ronaldo. Waxaa xilli ciyaareedkan ka tegay Robert Lewandowski oo aan booskiisa weerarka si wanaagsan loo buuxin. In kooxdan caalamiga ah uu u safto ayaa fursad muhiim u ah laacibkan 37 jirka ah ee Bortaqiiska u dhashay. Napoli Waxaa sidoo kale la saadaaliyay in Ronaldo uu ku laaban karo horyaalka Serie A, waxaana loo badinayaa in kooxda Napoli ay fursad wanaagsan u tahay weeraryahankan. Napoli ayaa hoggaaminaysa horyaalka Talyaaniga ee xilli ciyaareedkan, waxaana wacadaro ay ka dhigtay tartanka Champions League ee loo gudbay wareegga 16-ka. Ronald ayaa horay ugu ciyaaray kooxda Juventus ee magaca weyn ku leh kubadda cagta Yurub. Chelsea Kooxdan ka dhisan Ingiriiska ayaa kamid ah kuwa la saadaalinayo inuu ku biiri karo Ronaldo. Waa naadi taariikh leh, balse ciyaarihii u dambeeyay uu xaalku ku xumaa. Sidaa oo ay tahayna, ku biiridda Chelesea ayaa Ronald u noqon karta fursad uu kaga sii ciyaaro Champions League-ga. Marka laga soo tago kooxaha Yurub, Cristiano Ronaldo ayaa u wareegi kara dhanka Maraykanka iyo horyaalka kubadda cagta ee Major League Soccer (MLS). Waxaa jiray warar soo baxay oo sheegaya in Ronaldo uu ku biiri doono kooxda Inter Miami ee uu leeyahay laacibkii hore ee Manchester United, David Beckham. Taas waxaa sii dheer hadal-heyn kale oo ku saabsan in xiddiggan uu u jiheysan karo dhinaca Sacuudiga oo la xasuusto in xagaagii lasoo dhaafay looga gacan haatinayay, sida ay shaaciyeen warbaahin badan. https://www.bbc.com/somali/articles/c9804pzvdwwo +sports Mo Farah ma ka hadhay tartanka Olombigga ee Tokyo 2021? "Rajadii Mo Farah oo laba goor oo hore ku guulaystay horyaalka orodka Olombigga ee 10,000 mitir ee uu haatanna ugu safan lahaa UK tartanka Olombigga, ayaad mooda in ay hoos u dhacday maadaama oo uu ku soo bixi waayey is reebreebka tartanka 10,000 mitir ee Yurub. Ninkan oo haatan 38 jir ah ayaa kaalinta sideedaad galay oo wuxuu ku xigay ninka ay isku wadanka yihiinee Marc Scot, tartankaas oo sidoo kalena loo arkayey is reebreebka Olombigga. Maamuulaha kooxda Manchester oo ka hadlay ciyaartooy taageero u muujiyay Falastiin Dhaktar ciyaartoyda dhiig siin jiray oo xukun lagu riday Mo Farah wuxuu tartankaas oo ka dhacay Birmingham ku dhameeyey 27 daqiiqo iyo 50.54 il-bidhiqsi taas oo 22 il-bidhiqsi ka badan intii la doonayey. Wuxu markii dambe sheegay inuu qabay dhaawac ka gaadhay kuraanta bidix. ""Waan ka niyad jabay natiijada"" ayuu yidhi. ""Tobankii maalmood ee u dambeeyey waxay ahaayeen kuwo fiican laakiin wax kastaaba ha dhacaane waxaa muhiim ahayd in aan ka soo qayb galo is reebreebkan"" ayuu intaa ku daray. Farah wuxuu haystaa ilaa 27 Juun si uu u soo gaadho wakhtiga u suurto gelin kara inuu ka qayb galo tartanka Tokoyo oo ah 27:28. Dhanka kale waxa uu xoogga saari karaa 26 Juune inuu ku guulaysto horyaalka Ingiriiska si ay ugu suurto gasho inuu u tartamo Olombigga 5,000 mitir kaas oo uu billada dahabka ah ku qaatay ciyaarihii Olombigga London 2012 yo Rio 2016 labadaba. Hase yeeshee guul darradaa uu kala kulmay is reebreebku waxay tilmaan u noqon kartaa inuu ka noqon karo qorshihiisii ahaa inuu ciyaaraha ka fadhiisto marka uu ka qayb galo tartanka Olombigga Tokyo ka dib. Farah wuxuu saddexdii sano iyo badhkii u dambeeyey ku fooganaa inuu mar kale dhigo wacdarihiisii uu hore u dhigay oo kale, laakiin isku daygiisii ahaa inuu u weecdo dhanka orodka dheer ee Maaratoonka wuu ku guul darraystay. Guushii ugu horraysay ee 10,000 mitir tan iyo waagii uu ku guulaystay 2017 tartankii ka dhacay London Stadium, waxa muuqatay inuu hore u soconayo. Tartanka ciyaaraha fudud ee Olombigga waxay ahayd in lagu qabo magaalada Tokyo ee dalka Japan sannadkii hore ee 2020 hase yeeshee safmarka korona ee dunida ka dillaacay awgii ayaa loo baajiyey. Khabib Nurmagomedov oo noqday xiddiga ciyaaraha caalamka ee sanadkan ee BBC-da Maxaa la isugu haystaa maydka xidiggii kubadda cagta? Waxay se sheegeen gudida qaban qaabada ciyaarahaasi in sannadkan bisha Juulaay oo uu bilaabmi doono 23 keeda, aadna loo xadidi doono tirada taageerayaasha ah ee u daawasho tagi karta. Hore ayaa Japan u shaacisay in ay joojinayso in dad daawadayaal ahi dalka dibadiisa ka yimaadaan, waxaana la waday in dadkii tigidhada sii goostay loo celiyo lacagtoodii. Tarkanku wuxuu bilaabmi doonaa 23 Juulaay 2021 waxaanu socon doonaa ilaa bisha Ogost horraanteeda oo la soo gabagabayn doonaa 8 Ogost." https://www.bbc.com/somali/57377272 +sports Antony miyuu rabaa Man United? - xanta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Weeraryahanka Ajax iyo xulka Brazil Antony, oo 22 jir ah, waxaa 'ka go'an' inuu ku biiro Manchester United xagaagan. (waxaa qoray wargayska Goal) Paris St-Germain ayaa dooneysa inay iska iibiso Neymar haddii ay hesho dalab la aqbali karo oo ku aaddan weeraryahanka reer Brazil, inkastoo 30-sano jirkan uusan dooneyn inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Faransiiska. (waxaa qoray wargayska Goal) Daafaca dambe ee dhinaca midig ee Manchester United Brandon Williams, oo 21 jir ah, ayaa lagu iibin karaa 10 milyan oo ginni. (waxaa qoray wargayska The Sun) Ajax ayaa qarka u saaran inay dalab kale ka gudbiso garabka Tottenham Hotspur iyo Netherlands Steven Bergwijn, oo 24 jir ah, laakiin kooxda Premier League ka tirsan ayaan aqbali doonin wax ka hooseeya 25 milyan oo ginni (Waxaa qoray Sky Sports) Southampton ayaa isku dayday inay joojiso xiisaha Manchester City, Manchester United, Tottenham iyo West Ham ay u qabaan 27 jirka khadka dhexe ee England James Ward-Prowse kaasoo lagu qiimeeyo 75 milyan oo ginni. (Waxaa qoray Give Me Sport) Madaxa fulinta Bayern Munich, Oliver Kahn, ayaa sheegay in uu filayo in weeraryahanka Poland Robert Lewandowski, oo 33 jir ah, uu sii joogo kooxda heysata horyaalka Jarmalka xagaagan. (Waxaa qoray Sky Sports) Manchester City ayaa wadahadallo horumar leh ugu jirta si ay u soo afjarto saxiixa daafaca Brighton iyo xulka Spain Marc Cucurella, oo 23 jir ah (Waxaa qoray Insider) Leeds United ayaa isha ku haysa saxiixa garabka PSV Eindhoven iyo xulka Netherland Cody Gakpo, oo 23 jir ah, xagaagan si ay ugu beddelaan weeraryahanka Brazil Raphinha, oo 25 jir ah, kaasoo diirada u saaran Arsenal. (Waxaa qoray Foot Mercato - oo ku baxa af Faransiis) Leeds ayaa Raphinha ku qiimeysay 65 milyan oo ginni iyadoo Tottenham, Chelsea iyo Barcelona ay sidoo kale xiiseynayaan. (Waxaa Twitter-ka ku soo qoray Fabrizio Romano) Nice ayaa bartilmaameedsanaysa inay heshiis amaah ah kula wareegto goolhayaha reer Spain ee Chelsea Kepa Arrizabalaga, oo 27 jir ah. (Waxaa qoray Foot Mercato – oo ku baxa Af Faransiis). Weeraryahanka Chelsea iyo Albania Armando Broja, oo 20 jir ah, ayaa u furan inuu u dhaqaaqo West Ham iyadoo laga yaabo inay dalab 25 milyan oo ginni ah ku soo bandhigto. (Waxaa qoray Express) Tababaraha Barcelona Xavi ayaa ka baryaya garabka France Ousmane Dembele, oo 25 jir ah, inuu u saxiixo qandaraas cusub xilli ay xiiseyneyso Chelsea. (Waxaa qoray Goal) Paris St-Germain iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale xiiseynaya saxiixa Dembele. (Waxaa qoray Marca) Goolhayaha reer Jarmal Loris Karius, oo 29 jir ah, ayaa diyaar u ah tartan cusub isagoo raadinaya koox cusub oo uu ka aado Liverpool. (Waxaa qoray Sky Germany) Weeraryahanka Real Madrid iyo Spain Marco Asensio, oo 26 jir ah, ayaa aad u xiiseynaya inuu ku biiro Liverpool halkii uu ku biiri lahaa AC Milan. (Waxaa qoray Mail) Chelsea ayaa sugaysa weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku, oo 29 jir ah, si uu u dhamaystiro heshiiska amaahda ah ee uu ugu biirayo Inter Milan ka hor inta aysan u dhaqaaqin xiisahooda weeraryahanka Manchester City iyo xulka England Raheem Sterling, oo 27 jir ah. (Waxaa qoray Sky Sports). Weeraryahanka Brazil Vinicius Jr, oo 21 jir ah, ayaa sheegay inuu mustaqbalkiisa u hibeyn doono Real Madrid inkastoo ay xiiseyneyso Paris Saint-Germain. (Waxaa qoray Mail) Weeraryahanka Nigeria Taiwo Awoniyi ayaa macsalaameeyay asxaabtiisa kooxda Union Berlin, iyadoo 24-sano jirkaan la filayo inuu 17.5 milyan oo ginni ugu dhaqaaqo kooxda ku cusub Premier League ee Nottingham Forest. (Waxaa qoray BZ Berlin, iyada oo loo marayo Mail) https://www.bbc.com/somali/articles/cmjelvxy2mgo +sports Roman Abramovich: Milkiilaha kooxda Chelsea oo deeq $100 milyan ah siiyay shirkad dhul ka haysata shacabka Falastiin "Elad waa ha'yad ka howlgasha dhulka laga haysto Falastiin ee Bariga Qudus, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Silwan ama ""Ir David"" oo luqadda Hebrewga ah micneheeduna yahay ""Magaaladii Daa'uud"" Tan iyo markii la aasaasay ha'yaddan, sannadkii 1986, Elad waxay ku dhowaad 75 guri oo ay ka dhistay Silwan dejiyay qoysas Yuhuud ah, waxay sidoo kale ha'yadda maamushaa deegaannada taariikhiga ah ee ku yaalla Magaalada Daa'uud, halkaas oo ah goob dalxiiska caan ku ah. Sannadkasta waxaa booqda in ka badan hal malyan oo qof. Agaasimihii hore ee ha'yadda Elad, Shahar Shilo wuxuu BBC-da u sheegay in istaraatiijiyadda hay'addan ay adeegsaneysay ay aheyd mid dalxiis ""si ay u sameyso wax ka duwan siyaasadda dhabta ah ee ka jirta magalaada Daa'uud. Ha'yadda Elad waxay ku tiirsaneyd lacago deeq ah. Ku dhawaad kala bar deeqdaas na waxay heshay intii u dhexeeysay sannadihii 2005-tii ilaa 2018-kii, kaalmada ugu badanna waxay ka heshay afar shirkadood oo Ingiriiska laga leeyahay. illaa iyo hadda lama oga cidda iska leh shirkadahan. Magacyada afartan shirkadood ee deeqdaas siiyay Elad waxay ka soo muuqdeen dokumentiyo bangi oo si sir ah loo dusiyay ee lagu magacaabo ""Fincen Files."" Waxaa dokumentiyada ku jira macluumaadka bangiga ee ku saabsan lacagaha lagala baxay iyo cidda leh shirkadahaas. Warbaahinta Buzzfeed ayaa si hoose ku heshay dokumentiyadaas oo loo gudbiyay ururada caalamiga ah ee weriyeyaasha dabagalka sameeya iyo BBC-da. Magaca ka muuqda dokumentiyada waa Roman Abramovich, waxaana ku xusan in uu yahay milkiilaha saddexda shirkadood ee deeqda siiyay ha'yadda Elad halka shirkadda afaraad uu isaga maamule ka yahay. Akoonka ha'yadda Elad waxaa ka muuqda in shirkadahaas ay ugu deeqeen in ka badan $100 milyan oo doollar. Waxayna taasi ka dhigan tahay in milkiilaha kooxda Chelsea uu ahaa isha ugu weyn ee dhaqaalaha siin jirtay ha'yadda Elad, 15-kii sano ee la soo dhaafay. Goobaha taarikhiga ah ee ku yaalla dhulka la heysta waxaa lagu maamulaa xeerar lagu muransan yahay, waxaana suuragal in Israa'iil ay jebineyso xeerarka caalamiga ah, marka ay u ogolaaneysay ha'yadda Elad in ay howlo sahan ah ka sameyso deegaanka Silwan. Waxaa intaas dheer, in loo ogolaaday in dadka ay dejiso deegaanka, waxaana tallaabadaas lagu tilmaamaa mid ka dhan ah xeerarka caalamig ah. Israa'iil, deegaankaas uma aragto in ay heysato. Ha'yadda Elad waxay sheegeysaa in lagama maarmaan ay tahay in ay sameyso howlaha taariikhiga ah ee deegaanka taas oo looga golleeyahay ilaalinta dhaqanka Yuhuudda. Shirkaddan waxay BBC-da u sheegtay in ay raacday shuruucda iyo xeerarka Israa'iil ee u degsan ha'yadaha aan dowliga aheyn. Mar wax laga weydiyay in Roman Abramovich uu deeq siin jiray iyo in kale, waxay ku jawaabtay in siyaasaddooda ay dhigeyso ilaalinta sirta deeq bixiyaha. Afahayeen u hadlay Abramovich wuxuu BBC-da u sheegay: ""Mr Abramovich way ka go'an tahay, waana deeqsi taageera Israa'iil iyo bulshada Yuhuudda. In ka badan 20-kii sano ee la soo dhaafay wuxuu deeq ahaan u bixiyay illaa $500 malyan oo doollar oo uu ku taageerayay caafimaadka, seyniska, waxbarashada iyo bulshada Yuhuudda ee ku nool Israa'iil iyo guud ahaan caalamka"". Haddii aanay dhaaqalahaas heli laheyn hay'adda Elad, uma suuragasheen in si degdeg ah ay ugu guuleysato hadafkeeda ah xoojinta jiritaanka Yuhuudda ee agagaarka Falastiin. Qaar ka mid ah guryaha ay ha'yadda Elad dejisay dadka waxaa laga saaray dad Falastiiniyiin ah oo horey dhulkaas u lahaa, balse waxaa laga barakiciyay dhulkaas iyadoo la adeegsanayay sharciga Israa'iil ee muranka badan dhaliyay ee loo garanayo ""Sharciga ka maqnaanshaha hantida"". Wuxuu sharcigan u ogolaanayaa Israa'iil in ay la wareegto hantida ay dadka Falastiiniyiinta isaga tageen ama kuwa ka qaxay guryahooda xilligii dagaalka. Waxaa kiiskaas udub dhexaad u ah, guriga Sumarin oo ku yaalla dhinaca midig ee xarunta ha'yadda Elad, waxaana halkaas ku nool qoys ka kooban 19 qof. Amal Sumarin, oo ah hooyada dhashay qoyskan waxay sheegtay: ""Markii aan ku aqal galay halkaas, seygeyga wuxuu ku noolaa halkan isaga iyo adeerkii Xaaji Muuse Sumarin."" Amal Sumarin waxay sheegtay in xaaskii Xaaji Muuse Sumarin ee geeriyootay, waxay u sameyn jirtay: ""Waan daryeeli jirnay, cuntada ayaan u karin jirnay waana quudin jirnay. Seygeyga wuu u qubeyn jiray, wuxuuna geyn jiray isbitaalka. Wuxuu nagu oran jiray 'Gurigan idinkaa iska leh gaar ahaan canugeyga - aniga iyo seygeyga'."" Xaaji Muuse Sumarin, wuxuu geeriyooday sannadkii 1983-dii, waxaana gurigiisa la wareegtay Israa'iil iyadoo adeegsaneyso sharciga ka maqnaanshaha hantida ee 1987, waxaana laga iibiyay waaxda Hemnutah oo qeyb ka ah sanduuqa qaran ee maaliyadda ee Yuhuudda (JNF). Sanduuqan JNF waxaa shaqadiisa ka mid ah in uu iibiyo isla markaana dhulka u dhiso dadka Yuhuudda. Sannadkii 1991, Hemnutah waxay ka codsatay maxkamadda in qoyska Sumarin laga raro gurigooda. Qoyska Sumarin oo taageero ka helayay ha'yado aan dowli aheyn iyo maamulka Falastiin waxay bilaabeen in arrinta ay maxkamad geeyaan. Maxamed Dahle oo muddo 10 sano ahaa qareenkii qoyska Sumarin, wuxuu BBC-da u sheegay: ""In dib loo soo celiyo hantida Falastiiniyiinta ee la siiyay dadka Yahuudda ah, ma ahan arrin suuragal ah."" Bishii Agoosto qoyskan waxay ku guuldareysteen racfaan ay ka qaateen kiiska oo ay dhageysatay maxkamadda degmada Qudus, haddana waxay dacwaddooda u gudbinayaan maxkamadda ugu sarreysa Israa'iil oo la filayo in kiiska ay dhageysato bisha April ee sannadka 2021. BBC-da qeybta Carabiga waxay ogaatay in ha'yadda Elad ay dabada ka riixeysay howlaha ah in dadka Falastiin laga raro guryahooda iyadoo ogolaatay inay bixineyso dhammaan kharashaadka ku baxayo kiiska, sida ku xusan warqad loo diray Hemnutah sannadkii 1991-kii iyo kiis kale oo ku saabsan qoysas laga raray deegaanka Silwan. Waaxda Hemnutah kama aysan jawaabin su'aalaha ku saabsan dacwaddan, halka Elad aysan xaqiijin in weli ay maalgelineyso kiisaska. Hay'adda Elad waxay sheegtay in dhammaan hantideeda ay si caddaalad ah ku heshay ""Ma jiro qof Falastiini ah oo laga raray gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Daa'uud iyadoo aanan loo marin hanaan maxkamadeeda, ama qof aan loo ogolaan in kiiskiisa uu maxkamad u gudbiyo,"" waxa sidaas yiri Doron Spielman. Qareenka qoyska Falastiiniyiinta ah Maxamed Dahle ayaa yiri: ""Waa xaalad hal qowmiyad ah ay ku sameysaneyso sharci dan u ah halka qowmiyad kale uu dhibaateynayo sharcigan"". Saameynta ha'yaddan ayaa ku sii xoogeysanaya dhulkaas. Safiirka Mareykanka u fadhiya David Friedman wuxuu si weyn u taageeraa deegaameynta Israa'iil ay ka wado dhulka la heysto, wuxuuna ka qeyb qaatay munaasabad lagu daahfurayay magaalada Daa'uud. Friedman wuxuu ka mid ahaa dadkiii sida weyn u taageeray sannadkii 2019-kii in Qudus ay tahay caasimadda Israa'iil. Sannadkan 2020, markii madaxweyne Trump uu shaaca ka qaaday qorshaha nabadda ee Falastiin, wuxuu deegaannada ay maamusho ha'ayadda Elad ku magacaabay deegaano taariikhi ah ama kuwa ruuxi ah oo u baahan in la ilaaliyo, waxay dhammaan deegaannadaas ku yaalla dhulka la heysto ee Falastiiniyiinta laga saaray." https://www.bbc.com/somali/war-54247262 +sports Pierre Webo: Tababare ku xigeenka kooxda Istanbul Basaksehir ee Turkiga oo lagu cunsuriyeeyay Faransiiska "Kaaliyaha tababaraha kooxda Istanbul Basaksehir, ee waddanka Turkiga, Pierre Webo, ayaa sheegay in 8-dii bishan Diseembar ee 2020, ay noqon doonto maalin muhiim u ah taariikhda kubadda cagta marka ay timaado la dagaalanka midab-kala-sooca. Ciyaartoyda Basaksehir iyo Paris St-Germain ayaa isaga baxay garoonka intii ay socotay ciyaar ka tirsaneyd koobka Champions League-ga, oo Talaadadii ka dhacday magaalada Paris, ka dib markii garsooraha afraad ee ciyaarta lagu eedeeyay in Webo uu ugu yeeray midabka jirkiisa. Webo, oo 38 sano jir ah, ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen ""kuwii ugu adkaa"" ee xirfaddiisa soo mara. Waxa uu intaasi ku daray in habeenkii dhacdadaas uu la xiriiray dhakhtar si uu uga caawiyo inuu hurdo. Ciyaaryahankii hore ee xulka Cameroon, Webo, waxa uu garsooraha afraad, Sebastian Coltescu, ku eedeeyay inuu yasay kaddib markii uu midabkiisa ugu yeeray, halkii uu magaciisa ugu yeeri lahaa. Waxa uu BBC Sport u sheegay: ""Aragtidayda, 8-dii bishan Diseembar, waxbaa ka horreeyay, waxbaana ka dambayn doona. Marka waa la xusuusan doonaa."" Ciyaarta, oo laga baxay iyadoo maraysa 14 daqiiqo waxay ahayd 0-0. Waxaase dib loo bilaabay Arbacadii markaas oo ay garsoorayaal ka noqdeen koox cusub. Ciyaartoyda labada kooxood iyo saraakiishuba, intii ciyaarta la isu diyaarinayay, waxa ay soo xirteen fanaanado lagu soo xardhay 'aan diidno midab-kala-sooca', iyadoo boodh looga soo horjeeday midab-kala-sooca lagu dhejiyay goobta. Ciyaaryahannada ayaa bartamaha garoonka jilbaha dhigtay ka hor inta aanan ciyaarta la billaabin. Webo oo markii ay arrintaas dhacday kaarka cas loo taagay, waxaa loo ogolaaday inuu ciyaarta ka qeybqaato, iyadoo la hakiyay karkii casaa ee loo taagay, xilli UEFA ay baarayso arrinta. Mar la waydiiyay in ciyaartoyda ay garoonka markale ka bixi doonaan, waxa uu sheegay: ""Middaas waynu muujinnay. Garsoorahana ma joojin karo, ee waa ciyaartoyda oo kaliya waxa middaas samayn kara. ""Sida aan sheegayba, waxaannu yeelan doonnaa maalinta ka horreysa 8-da Diseembar iyo maalinta ka dambaysaba."" Webo, oo sideed sano ku soo qaatay kooxaha Osasuna iyo Mallorca ee ka dheela horyaalka La Liga ee waddanka Spain, wuxuu sheegay inuu taageero badan ka helay ciyaartoyda kubadda cagta iyo dad aananba ciyaaraha dheelin, sidoo kale waxa uu farriimo cay ah ka helay Romania - oo ah halka asal ahaan uu ka soo jeedo garsoorihii arafaad ee ku dhahay ereyga 'cunsuriyadda ah'. ""Ma doonayo in dadka ay diiradda aniga i saaraan wixii dhacay awadeed, ceeb ayey noqonaysaa haddii wixii dhacay uun la igu xasuusto,"" Webo ayaa yiri. ""Waa ceeb in tani ay run tahay. ""Labadaas ama saddexdaas maalmood waxa ay ahayeen maalmihii ugu adkaa xirfaddayda."" UEFA ayaa sheegtay in ay caddaymo uruurinayso balse lama filayo in natiijo ay soo baxdo ka hor ciidda Masiixia. Saraakiisha u dhashay waddanka Romania ee mas'uulka ka ahaa ciyaarta Champions League-ga ee la joojiyay ayaa jilbaha dhigan doona ciyaaraha maxalliga ah ee ay garsoorayaan illaa kiiska dacwadda ee ciyaartaas laga dhagaysanayo." https://www.bbc.com/somali/war-55291684 +sports Orodyahan reer Itoobiya oo guul lama filaan ah ka soo hoyay London Marathon "Orodyahanka u dhashay dalka Kenya Eliud Kipchok oo afar jeer oo hore ku guuleystay Orodka Marathon waxaa si lama filaan ah uga badiyey oradyahan reer Itoobiya oo lagu magacaabo Shuura Qitaataa. Tartanka orodka Marathone ee ka dhacay magaalada London waxaa la filayay inuu ku guuleysan doono Orodyahanka u dhashay dalka Kenya Eliud Kipchok oo afar jeer oo hore ku guuleystay tartankaasi. Kaalinta koobaad waxaa London Marathon ka galay Orodyahanka reer Itoobiya Shuura Qitaata, halka kaalinta labaadna uu galay Orodyahanka u dhashay dalka Kenya Eliud Kipchok. Qitaataa oo guusha hantay wuxuu ku orday 2:04:41. Tartanka orodka Marathon-ka gabdhahana waxaa ku guuleysatay orodyahan Brigid Kosgei oo u dhalatay dalka Kenya isla-markaana difaacatay rekoorradi guusha ee ay horay u dhigtay. ""Aad ayaan u murugeysanahay, waxa dhacay ma garan karo"" ayuu yiri Kipchok tartanka marka uu soo dhammaaday. ""15 km ee ugu dambeeyey dhagta midig waxba kama maqleyn. Jilbaha iyo bowdooyinkana xanuun ayaan ka dareemayey"" ayuu yiri Kibchok. ""Waa wax aan si lama filaan ah ula kulmay. tartanka si qurux badan ayaan ku billaabay. Hawada aad ayey u qaboobeyd balse taa sabab kama dhigan karo"" ayuu yiri. Orodyahanka kale ee reer Itoobiya Kananisa Baqele ayaa tartanka isaga haray kaddib marki uu xanuun la soo dersaday, ayaa keentay in la yirahdo guushu waxay raaceysaa orodyahanka reer Kenya ee 33 jirka ah Kipchok. Orodyahanka tartanka ku guuleystay Shuuraa Qitaata wuxuu xeelad cusub uu la yimid orodka marka uu marayo daqiiqadda 15-aad, taasoo Kipchok ku abuurtay dagganaasho la'aan. Ugu dambeyntina tartanka waxaa kaalinta Koobaad ka galay Shuuraa, Kaalinta Labaad Kipchok iyo Kaalinta seddexaad oo uu galay orodyahanka kale ee reer Itoobiya Sisay Lemmaa. ""Tartankan si aad ah ayaan isugu soo diyaariyey. Qananiisaana aad buu ii caawiyey. Aad baan ugu faraxsanahay inaan guuleysto"" ayuu yiri Qitaataa oo 24 jir ah. Orodyahanka reer Britain Mo Farax oo afar jeer ku guuleystay tartanka Olombika wuxuu sheegay inuu natiijada uu la yaabay. ""Naxdin bey nagu ahayd dhammaanteen, waxaan fileynaya intaasoo mile inuu ku guuleysan doono inaga oo tixgelinayno wakhtiga uu ku orday."" ayuu yiri Farax oo BBC u warramay. ""Balse wuxuu ahaa tartan fiican. Tartannada ayey qayb ka ahayd. Waana qayb ka mid ah ciyaaraha, weyna dhacdaa"" ayuu yiri." https://www.bbc.com/somali/cayaaraha-54413733 +sports Victoria Derbyshire: “Aabbehey sidii aan uga badbaadi lahaa ayaan mar kasta ka fikiri jiray” "Markii aan soo korayay, waxaan xasuustaa anigoo jirka oo dhan uu i jiriiricoonayo xilli kasta oo aan maqlo inuu aabbahay albaabka iska soo furayo. Tolow xaalad noocee ah ayuu ku jiri doonaa marka uu gudaha soo galo? Ma dood ayuu kicin doonaa? Taasina ma waxay horseedi doontaa inuu jug igu dhufto, ama suunkiisa igu garaaco ama xitaa uu qadaadka iga dharbaaxo? Mararka qaar waxaan nasiib u yeelan jiray inaan uga baxsado guriga saaxiibtey oo ku yaallay meel aan naga fogeyn. Maalinta xigtana, aabbahay wuxuu aadi jiray shaqada, anigana iskuulka ayaan sidaas kusii aadi jiray, sidaas ayuuna u socon jiray buuqa iyo qalalaasaha. Jacaylka nolosheenna ay ku dhisneyd oo dhan wuxuu ka imaan jiray dhinaca hooyadey, taasoo wax walba oo uu aabbahay ku farxi karo u sameyn jirtay. Warbixintan waxaa ku jira qoraallo ay akhristeyaasha qaarkood dhibsan karaan. Markii uu Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska nagu amray inaan dhammaanteen guryaha joogno, fayraska corona awgiis, mid ka mid ah waxyaabihii ugu horreeyay ee aan ka fikiray waxay ahayd xaaladda ay ku sugan yihiin dadka tacaddiyada loogu geysto guryaha qoysaskooda dhexdooda - dumarka, carruurta iyo ragga guryaha lagu soo xiray ee halkaas joogaya isbuucba isbuuca ka dambeeya. Maxaa ku dhici doona? Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa ku mashquulsanaa sidii aan wax uga ogaan lahaa xaqiiqooyinka ku saabsan qalalaasaha qoysaska dhexdooda ah iyo xilliga xayiraadda, waxaana ogaaday arrimo naxdin leh - waxaan xitaa la kulmay haween si geesinnimo leh uga baxsaday xaaladaha ugu adag. Waxaan soo booqday goobaha gabbaadka looga dhigo dadka tacaddiyada lagu hayay kasoo carara. Waxaan wareystay dad la kulmay dhibaatooyin aysan waligood ku fikiri jirin. Haweeney aan magaceeda ku soo koobeyno Jess* waxay la nooleyd seygeeda oo tacaddi weyn ku hayay muddo sannado badan ah. Intii ay isla joogeen wuxuu weerar u geystay dhowr jeer - inuu kala tuuri jiray, inuu ceejin jiray, inuu ku xukumi jiray dharka ay xiraneysay iyo sida ay timaheeda ka dhigan jirtay. Waxay sheegtay inay fasax ka qaadan jirtay xitaa marka ay koob shaah ah soo shubaneyso iyo marka ay musqusha aadeyso. Laakiin markii xayiraadda coronavirus lasoo rogay, tacaddiyadii waxay u gudbeen heer sidii hore kasii daran. Markii uu Jess seygeeda maqlay in shacabka lagu amray inay guryahooda joogaan, isagoo xaaskiisa ku duraya ayuu yidhi, 'Hadda ayey ciyaarta noo billaabaneysaa'. Sheekada haweeneydan waxay ka mid tahay qisooyinkii ugu xanuunka badnaa ee aan maqlay. Waxay ii sheegtay inuu kufsaday in ka badan boqol jeer. ""Daahyada ayuu hoos u dajinayaa, TV-ga ayuu dheereynayaa, albaabka hore wuu xirayaa #, muusig ayuuna kor u dheereynaa, si uusan qofna u maqlin qeyladeyda,"" ayey tidhi iyadoo dib u xasuusaneysa waxa uu seygeeda ku sameyn jiray. Labada lugood dhexdooda ayuu uga gubi jiray sigaarkiisa, 'si uusan nin dambe u damcin'. Barnaamijka BBC Panorama ayaa ogaaday sida uu sare ugu kacay tacaddiga qoysaska dhexdooda ah intii lagu guda jiray xayiraadda - waxyaabaha dhacay waxaa ka mid ah sumeyn iyo ceejin. Dadka qaarkood, amarka xayiraadda wuxuu u ahaa mid kuwa tacaddiga ku haya ay ka faa'iideysanayeen. Markii aan Jess waydiiyay waxa uu iyada uga dhignaa amarka xayiraadda, waxay si fudud ugu jawaabtay: ""Dhimasho."" Aniga markii aan 12 jir ahaa, waxaan xasuustaa inaan saldhigga booliska u ordi jiray kaddib markii uu aabbahay qolka jiifka kusoo xidho hooyadey, uuna billaabo inuu garaaco. Waxaan ka baqi jiray inay gacantiisa ku dhimato. Telefoonkeennii guriga wuu go'naa sababtoo ah ma uusan bixin jirin lacagta laga rabo - waana hab kale oo uu nooga xayiri jiray qoyska kale iyo saaxiibbada. Si aad ah ayaan u ordi jiray, anigoo neef tuuraya ayaan saldhigga tagi jiray, kaddibna askariga halkaas jooga ayaan ka baryi jiray inuu hooyadey soo caawiyo. Laakiin hadda xilliga xayiraadda lagu jiro, dadka tacaddiga lagu hayo qaarkood waxaaba dhib ku ah inay telefoon wacaan, iskaba daa inay booliska u cararaan. Sababtoo ah qofka tacaddiga ku haya ayaa guriga la jooga 24-ka saac iyo 7-da maalmood ee isbuucaba. Jess way ogeyd inay booliska uga baxsan karto seygeeda, laakiin ma aysan rabin inuu ku fahmo. Mar uu kursiga fadhiga ku gam'ay ayey google ka raadisay 'sida loola xidhiidho booliska iyadoo aan la wicin', maadaama ay ka baqeysay inuu kaco haddii ay wicitaan sameyso. Waxay heshay qaab farriin loogu diro booliska, sidaas ayeyna ugu jirtay tilmaamta gurigeeda. Ciidankii ayaa yimid daqiiqado yar kaddib. Jess way ku khasbaneyd inay ka tagto gurigeeda, oo ay hesho meel ay ku badbaaddo. BBC Panorama wuxuu helay sheekooyin badan oo ku saabsan tacaddiyo kala duwan oo la sameynayay dhowrkii bilood ee xayiraadda fayraska Corona. Saddexdii isbuuc ee ugu horreysay xayiraadda, 11 haween ah, labo carruur ah iyo hal nin ayaa sida la sheegay lagu dilay tacaddiyada qoysaska gudahooda ah. Mas'uuliyadda dhimashada dadkaa waxaa iska leh dadkii tacaddiga sameynayay, laakiin dadka noloshooda ma la badbaadin karay haddii ay dowladdu sameyn lahayd dadaal dheeri ah? UK waxay hadda wajaheysaa sare u kac kale oo laga yaabo inuu sameeyo coronavirus, sidaasna mar kale xayiraad lagu soo rogi karo xilliga qaboobaha. Aniga waalidiinteyda way kala tageen markii aan 16 jir ahaa, xilligaas ayaana noogu dambeysay tacaddi iyo qalalaasae." https://www.bbc.com/somali/war-53681264 +sports Arsenal oo u baqeysa amniga qaar ka mid ah ciyaartoydeeda "Mesut Ozil iyo Sead Kolasinac ayaa laga reebay ciyaartoyda kooxda Arsenal uga qeyb gali doona kulankooda ugu horreeya tartanka horyaalka Premier League-ga, kaasoo ay la yeelan doonaan kooxda Newcastle United. Mas'uuliyiinta Arsenal ayaa sheegay in sababta laacibiintan looga tagay ay tahay cabsi laga qabo ""in khatar kale la galiyo amnigooda"". Labada ciyaartoy ayaa dhawaan ka badbaaday isku day ay koox hubeysan ku damacsanaayeen inay gaari uga dhacaan, xilli ay ku sugnaayeen waqooyiga-galbeed ee magaalada London. Falkaas oo dhacay labo isbuuc ayaa abuuray walwal xoog leh oo laga qabo in la bartilmaameedsado laacibiintan. Maamulka Arsenal ayaa sheegay inay wadashaqeyn la sameynayaan booliska isla markaana ""ay ilaalinayaan amaanka ciyaartoydan iyo qoysaskoodaba"". ""Amniga ciyaartoydeenna iyo qoysaskooda mar malba waxaan siineynaa mudnaanta koowaad"", ayey tiri kooxda. ""Waxaan go'aankan qaadannay ka dib markii aan la tashannay labada ciyaartooy iyo wakiilladooda"". ""Waxaan rajeyneynaa inaan Ozil iyo Kolasinac mar kale dib ugu soo dhaweyno kooxda"". Ozil iyo Kolasinac ayaa horay looga tagay markii ay Arsenal kulan saaxiibtinnimo ah la yeelaneysay kooxda Lyon, sababo la xiriira weerarka lala beegsaday, hase yeeshee labadooduba waxay kasoo muuqdeen ciyaartii ugu dambeysay ee xilliga fasaxa, taasoo ay Axaddii la yeesheen kooxda Barcelona. Booliska ayaa hadda baaraya dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday ciyaartoydan. Kadib markii lagu guul darreystay in gaariga laga dhaco, Kolasinac wuxuu baraha bulshada soo galiyay sawir muujinaya isaga iyo Ozil, wuxuuna kusoo qoray: ""axay ila tahay inaan fiican nahay"". Warbaahinta Al Jazeera ayaa tabisay in Kolasinac uu la dagaallamay burcaddii damacsaneyd inay dhacaan gaariga Ozil. Taliska booliska ayaa sheegay inay xiriir la sameeyeen Arsenal ayna baari doonaan falalka lasoo tabiyay." https://www.bbc.com/somali/war-49304416 +technology Stalkerware: Barnaamijka aad ku jaajuusi karto qofka lamaanahaaga ah "Amy waxay sheegtay inay arrintu ay ka billaabatay markii ay dareentay in seygeeda uu u muuqday inuu ogyahay dhammaan waxyaabaha sirteeda ah. ""Wuxuu awood u lahaa inuu arko wadasheekeysiga aan dadka kale la yeesho oo dhan, xitaa wuxuu ogaaday canuga Sarah. Runtii wuxuu helayay waxyaabo sir ah oo ay ahayd inay qarsoonaadaan."" ""Haddii aan weydiiyo sida uu ku ogaaday waxyaabahan qarsoodiga ah, wuxuu igu oranayaa adiga ayaa ii sheegtay, wuxuuna igu sii eedeynayaa inaan illoobay markii aan u sheegayay."" Amy - magaceeda saxda ah ma aha sidaas - waxay sidoo kale la yaabi jirtay sida uu seygeeda ku ogaado meel kasta oo ay aaddo iyo halka ay ku sugan tahay xilli walba. ""Mararka qaar wuxuu ii sheegaa inuu igu arkay meel qaxwada lagu cabo oo aan kula kulmayay asxaabteyda, isagoo sheegaya inuu meeshaas iska marayay oo uu sidaas igu arkay. Kaddib waxaan billaabay inaan qof walba ka shakiyo, oo xitaa aanan aaminin asxaabteyda."" Muddo dhow bilood ah ayey arrintan soo xoogeysaneysay, xiriirkeygii guurkana wuxuu isu baddalay xaalad jahwareer ah. Xilli aan safar dalxiis ah ku maqneyd ayaan go'aansaday inaan soo afjaro oo aan burburiyo qoyskeyga. ""Meeshii aan dalxiiska u tagnay annagoo joogna ayuu ninkeyga damcay inuu i tuso sawirro uu telefoonkiisa ku qaaday. Laakiin si lama filaan ah ayaan u arkay farriin u soo dhacday oo dhaheysa, 'Warbixinta maalinlaha ah ee ku saabsan kumbuyuutarka Amy waa diyaar, waana la fiirin karaa.'"" ""Waan isku naxay, xitaa waan neefsan waayay hal daqiiqo, waan is maaweeliyay, waxaan iska dhigay sida qof aan waxbo arag"" ayay tiri Amy. ""Waxaan eegay Koombiyutarkeyga si aan u fiiriyo barnaamijka uu igu jaajuusayay, waa taallaabada aan kusoo baraarugay muddo bilooyin kaddib markii aan jahwareeray."" Barnaamijka sirdoonka ee Stalkerware waa qalab awood leh oo si furan loogu kala iibsado suuqyada Online-ka. Barnaamijkan wuxuu awood u leeyahay in uu daalacdo farriimaha shaashadaha teleefoonada, duubana codadka, lana socdo dhaqdhaqaaqa GPS-ka(goobta uu qofka joogo) iyo kameerooyinka shaqsiyaadka. Wuxuu la socon karaa waxyabaha khaaska ah ee ay ay sameynayaan. Sida laga soo xigtay shirkadda ka shaqeysa ilaalinta amniga internetka ee Kaspersky, tirada dadka arkay barnaamijkaas sirdoonka ah ayaa sare u kacday boqolkiiba 35 sannadkii lasoo dhaafay. Shirkadda Kaspersky waxay sheegtay in barnaamijka sirddoonka stalkerware lagu arkay ilaa 37,532 qalab intii lagu guda jiray sannadkan. Madaxa shirkadda ee dhanka cilmi baarista, David Emm ayaa yiri: ""Dadku inta badan wey ilaashan karaan Laptop-kooda ama Koombiyutarkooda balse ma ilaashadaan teleefoonnadooda"" Daraasadda ay soo saartay Kaspersky waxay muujineysaa in dalka Ruushka uu yahay kan ugu badan ee laga soo tebiyay barnaamijka sirdoonka. Sidoo kale dalalka lagu arkay barnaamijkaas waxaa kamid ah Hindiya, Brazil, Mareykanka, Jarmalka iyo UK. Shirkad kale oo qaabilsan amniga internetka ayaa sheegtay inay jiraan tallaabooyin lagama maarmaan ah oo qofka looga baahan yahay in uu qaado marka uu ka shakiyo in la basaasayo. ""Mar kasta waxaa muhiim ah in aad la socoto barnaamijyada ku jira teleefoonkaaga, waxaa muhiim ah in aad iska saarto feyraska laguu soo diro. Haddii aad garan weydo barnaamij teleefoonkaaga ku jiro iska saar,"" waxaa sidaas yiri Jake Moore oo ka tirsan shirkadda Eset. Sharciga guud ayaaba oranaya: ""Hadddii aadan isticmaaleynin barnaamij ku jiro teleefoonkaada iska saar."" Markii Amy ay ogaatay in Kombiyuutarkeeda la jabsaday, waxay ka aamin baxday isticmaalka teknooloojiyadda. Ha'yadaha samafalka waxay sheegayaan in arrintani ay maskaxiyan jawaab u tahay isku buuqa maskaxeed ama welwelka. Jessica iyaduna waa haweeney kale oo ay dhibaato kasoo gaartay barnaamijkaas basaaska lagu sameeyo. Ninkii ay horey u kala tageen ayaa si joogto ah u basaasi jiray telefoonkeeda. Wuxuu si toos ah u dhageysan jiray waxyaabaha sirta ah ee ay ku sheekeystaan iyada iyo asxaabteeda, kaddibna erayada qaar ayuu si ciyaar ciyaar ah ugu dhihi jiray. Gemma Toynton oo ka tirsan ha'yad samafal oo qaabilsan ka hortagga tacaddiyada qoysaska ayaa sheegtay in barnaamijkan uu horseedayo aaminaad darro, isla markaana uu caqabad ku yahay kiisaska ay xaliso. ""Teknooloojiyadda waxay noqotay sida shabaq ku dhex jiray maskaxdooda, dad badan waxay isaga tegayaan isticmaalka barta internetka."" ""Dhabtii, saameyn ayay ku yeelaneysaa nolosha, barnaamijka sirdoonka ee stalkerware wuxuu noqday walaaca sare u kacaya,"" ayey tiri. Amy oo haatan ku nool Mareykanka, waa la furay, seygii ay kala tegeen wuxuu ku nool yahay meel kale oo masaafo dheer u jirta. Haatan waxay seygeedii hore ka wada hadlaan daryeelka canug ay dhaleen oo lix sano jir ah, iyagoo warqado isku diraya. Shirkadaha soo saara barnaamijyada sirdoonka waxay xayeysiiyaan adeegyadooda si ay loogu isticaamalo 'la socodka dhaqdhaqaaqa shaqaalaha' ama 'maamulka qoyska' Dalal badan oo uu kamid yahay UK, ayaase looga isticmaalaa barnaamijkaas in ay isku jaajuusaan lamanayaasha is qaba, iyadoo uu sharci darro yahay haddii uusan jirin wax fasax ah. Si kastaba waxaa jira Website-yo lala xiriiriyay maqaallo ay qoreen shirkado soo jeedinaya in la adeegsado barnaamijka sirdoonka ee 'ay isku jaajuusaan lamaaneyaasha.' Wariyaha BBC-da ee warbixintan qoray ayaa qoraal kula hadlay shirkadda soo saartay barnaamijka jaajuuska ah, isagoo doonayay inuu tijaabo ku sameeyo. Si toos ah ayuu ugu yiri: ""Waxaan rabaa in barnaamijkan la iigu shubo telefoonka xaaskeyga, arrintaasi ma sir baa?"" Qof dhinaca macaamiisha u qaabilsan shirkaddaas ayaa ugu jawaabay: ""Barnaamijka toos ayuu kuugu shaqeyn doonaa isla marka aad ku shubto telefoonka. Waan ku faraxsanahay inaan ku caawiyo."" Wuxuu wariyaha sheegay in uu soo degsaday ilaa 5 barnaamij oo ay soo saartay shirkadda ugu weyn ee qaabilsan amniga internetka si uu markii dambe feyraska uga saaro teleefoonka. Wuxuu sheegay in dhammaantood lagu sheegay ""in ay yihiin barnaamijyo halis horseedi kara.""" https://www.bbc.com/somali/war-52817627 +technology Qabatinka Internet-ka: Ma dhibaato sii kordheysaa oo saameyn ku leh dunida? "Cam Adair wuxuu ugu dambayntii ogaaday in uu la qabsiga ciyaaraha game-ka ee qaabka online-ka ah ay yihiin wax ka baxsan is xakamayntiisa, taas oo ku kaliftay in uu go'aansado in uu soo afjaro. ""Waxaan la halgamay 10 sano,"" ayuu yidhi. ""Waxaan ka baxay dugsiga sare, weligay ma aadin kulliyad, waxaana iska dhigay qof haya shaqooyin kale, taas oo aan ku khiyaanayay qoyskayga"", ayuu yiri. ""Ugu dambeyntii waxaan qoray warqad is-dilid ah, waxayna ahayd habeenkaas in aan gartay inaan u baahanahay in qof i caawiyo aan helo. Hadda waxaan xor ka ahay 3,860-maalmood, ciyaarihii game-ka ee balwadda ii noqday,"" ayuu intaa ku daray. Mr Adair, oo ah 32-jir u dhashay dalka Canada, waa aasaasaha barnaamijka dadka doonaya in game-ka internet-ka ee balwadda u noqday ay iska dhaafaan, waxaana barnaamijka lagu magacaabaa Game Quitters. Waa barnaamijka ay sameysteen koox dadka ka caawiysa khadka tooska ah, gaar ahaan kuwa dhibaatada ay ka haysato ama qabatimay ciyaaraha Internet-ka ama (video games). Waxaa barnaamijkan hadda xubin ka ah in ka badan 75,000 oo qof oo ku kala baahsan daafaha dunida. In kasta oo tikniyoolajiyadda, gaar ahaan internet-ka, uu gacan ka geystay in dunida ay horey u socoto, intii lagu jiro feyriska Corona, haddana Cam Adair wuxuu waqtigaas u ahaa mid adag. ""Cudurka safmarka ayaa ii horseeday in aan waqti badan ku qaato daawashada muuqallada iyo dadka dheela ciyaaraha kombiyuutarka iyo daawashada YouTube,"" ayuu yiri Adair. Xarunta dawooyiinka iyo caafimadka Mareykanka ayaa warbixin ka soo saartay dadka la qabatimay oo balwadda uu u noqday Internet-ka. Qofka oo aan iska xakameyn karin isticmaalka internet-ka iyo game-ka kumbuyuutarada, ayay xarunta u aragtaa balwad adag oo dad badan ay la qabsadeen. In kastoo ay dad badan ku doodaan in la qabsiga Internet-ka uusan halis u ahayn sida balwadaha kale ee maandooriyayasha ah, haddana internet-ka waa dhibaato dad badan ay u nugul yihiin. ""Fikirka nolosha wuxuu horseedaa damaca qof ee ah in uu isticmaalo isaga oo ka baxsanaya walwalka,"" ayuu yiri. ""Feyriska Corona ayaa sii kordhiyay walaaca dhanka nolosha ah ee ay dad badan qabaan"", ayuu yiri Dr Andrew Doan, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga neerfayaasha iyo sidoo kale la qabsiga internet-ka ""Isticmaalka xad-dhaafka ah, si uu qofka uga baxsado walwalka waa halis muujinaysa in qofka uu sheyga balwad u noqday ama uu la qabatimay ."" ayuu intaa ku daray. Si dadka la qabatimay internet-ka looga caawiyo in ay iska daayaan ama yareeyaan internet-ka, dhowr shirkadood oo dhanka tiknoolajiyadda ah ayaa soo saaray qalab loo adeegsan karo xannibaadda ama xaddidayo in qofka uu galo baraha internet-ka. Linewize waa mid ka mid ah shirkadaha noocan ah, oo loogu talagalay in carruurta iyo waalidiinta lagaga xaddido adeegsiga badan ee Internet-ka. Bogagga internet-ka iyo app-ka ayaa u oggolaanaya waalidiinta in iyaga oo guriga ka maqan ay xaddidaan oo ay kormeeraan wakhtiga badan ee ay carruurta ku bixiyaan ciyaaraha game-ka ee kombiyuutarada ama taleefoonada. Linewize sidoo kale waxaa ku jira aalad ""lagu xiro"" oo looga hortago in ay caruurta galaan baraha lagu faafiyo muqaalada anshax xumada ah. Teodora Pavkvic, oo ah aqoonyahan ku takhasusay cilmi-nafsiga, ahna khabiir dhanka tiknoolajiyadda, oo deggan San Diego, ayaa sheegtay in dhallinyarada ay si gaar ah ugu nugul yihiin in ay wakhti badan ku qaataan internet-ka. Balse waxay intaa ku daray in waalidiinta qaar, marka ay caruurta qaangaar yihiin, ay u ogolaadaan isticmaalka badan ee internet-ka. ""In qofka uu Maareeyo wakhtiga uu internet-ka uu ku bixinayo, oo uu isu dheelitiro caafimaadkiisa, waa mid u baahan garsho aad u heer sareeysa, taasi oo uusna qofka si buuxda u gaareyn illaa aan ka gaarnno da'da 25 sano,"" ayay intaa ku dartay. Dadka waawayn, ayaa marka internet-ka laga reeb, waxay sidoo kale la qabatimaan ciyaarta khamaarka, waxaana soo baxay barnaamijyo online ah oo lagu ciyaaro. BetBlocker waa barnaamij u oggolaanaya dadka in ay iska xiraan tobannaan kun oo bogag oo ah kuwa khamaarka. Marka la xaddido website-yadan, qofka ma geli karo aaladaha khamaarka ilaa wakhtiga iyo taariikhda uu ku xiray ay ka gareyso. App-ka BetBlocker - oo ah lacag-la'aan - waxaa xannibi kara lamaanahaaga, saaxiibkaaga, ama waalidka. Dadka Isticmaala waxay xannibi karaan aaladaha khamaarka saacado, maalmo, ama toddobaadyo. Dadka waxay sidoo kale isticmaali karaan app-ka si ay u xannibaan bogagga kale, sida kuwa ciyaaraha. GamBlock waa app kale oo loo isticmaali karo si la mid ah BetBlocker, si looga hortago in qofka uu galo goobaha internet-ka ee khamaarka lagu dheelo. Madaxa shirkaddan laga leeyahay dalka Australia, David Warr, ayaa yiri: ""Ma nihin khamaar-diid. Taa beddelkeeda waxaan diiradda saarnaa caawinta dadka dheela khamaarka ee dhibaatada kala kulma."" Dr Doan oo isagu ka mid ahaa dadka la qabatimay ciyaaraha ama (video games), waxaa uu soo maray waddo adag. Wuxuu sheegay in intii uu jaamacadda ku jjray uu 80 illaa 100 saacadood ciyaari jiray game-ka, toddobaadkiiba, islamarkana uu muddo 10 sano ah waday arrintaas"". Si kastaba ha ahaatee, Cam Adair wuxuu ku rajo weyn yahay in shirkadaha tiknoolajiyadda, sida Linewize, BetBlocker iyo GamBlock, ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan in uu iska dhaafo ciyaaraha game-ka internet-ka. Waxay muhiimadu tahay in qof kasta oo ka welwelsan nooc kasta oo ka mid arrin balwad u noqotay ama uu la qabatimay, in uu la xiriiro dhakhtar. Adair sheekadiisa oo qeyb ka ah cilmi-baaris la sameeyay, hadda waa nin fagaareyaasha ka hadla, isaga oo dadka ka wacyigaliya qabatinka internet-ka." https://www.bbc.com/somali/war-59040130 +technology Dayax-gacmeed ay gabdho keli ah sameeyeen oo hawada sare loo diray "Dayax-gacmeedka Azadi (SAT 750) oo lagu sameeyeey dalka Hindiya ayaa hawada sare loo diray maanta oo Axad ah. Sameynta Dayax-gacmeedkan waxaa iska kaashaday gabdho arday ah oo ka kooban 750 oo ka kala yimid 75 dugsi oo ay dowladdu leedahay wax ka dhigta. Mashruuca Dayax-gacmeedkan lagu sameeyey oo qayb ka ah munaasabadda Amrit Mahotsav oo lagu xusayo sanad guurada 75-aad ee ka soo wareegtay maalinta dalka Hindiya uu xorriyadda ka qaatay gumeystaha dalka Hindiya. Haddaba Dayax-gacmeedkan wuxuu Dayax-gacmeedyada horay dalkaasi looga sameeyey uu uga duwan yahay sameyntiisa waxaa iska kaashaday 750 arday oo gabdha ah oo wax ka barata dugsiyada ay dowladdu leedahay. Sameynta Dayax-gamedkana waxaa gabdhaha gacan ka siiyey shirkad loogu magac daray ‘Space Kids India’. Shirkaddaasi oo horay u sameysay gaadiid yar oo loogu tao galay hawada sare in loo isticmaalo, balse Dayax-gacmeedkan uu yahay kii ugu horreeyey oo hawaada sare loo diroo oo ay shirkaddaasi sameysay. Dayax-gacmeedka xilligi hawada sare looga dirayey xaruunta Dayax-gacmeedyada laga diro ee Satish Shawan waxaa goob joog u ahaa 400 oo gabdhood oo ka mid ah hablihi sameeyey. Dayax-gacmeedkaasi oo uu miisaankiisu yahay 8 kiilo waxaa sida oo kale ku rakiban kaameerooyin wax duubo iyo saxamo ceedceedda ku shaqeeyo uu tamarta ka qaato. Waxaa sida oo kale Dayax-gacmeedkaasi loo sameeyey agab isgaarsiineed oo goob walba lagala xiriiri karo. Maareeyaha hay’adda Dayax-gacmeedka Hindiya Srimathi Kesson oo BBC u warrantay waxay sheegtay “Azadi waxay ka dhalatay SAT 750 oo ay gabdho sameeyeen, waxayna rumeeyeen riyadoodi ahayd iney horay u socdaan. Ardayda gabdhaha ah ee ka tirsan dugsiyada dowladda oo qaybaha kala duwan ee dalka Hindiyaa ayaa ku lug lahaa sameynta mashruucan Dayax-gacmeedka, waana inaan baahinnaa wacyigelinta la xiriirta cilmiga Sayniska.” Sameynta Dayax-Gacmeedkan gabdha oo keli ah ay sameyntiisa ka qayb qaateen wuxuu qaatay muddo 6 bilood ah. “Ujeeddada mashruucan laga lahaa laguna guuleystay wuxuu ahaa in cilmiga Sayniska aan jaamacadaha lagu koobin oo dugsiyada hoose loo dhaadhiciyo isla-markaana gabdhaha doorka ay horumarinta sayniska ku yeelan karaanna la xoojiyo si looga dhiirrageliyo mustaqbalka iney ka qayb qaataan masharriicda kale ee dayax-gacmeedka dalka Hindiya uu yeelanayo,” ayey tiri Srimathi Kesson Gabdho oo keli ah in lagu soo koobo sameynta dayax gacmeedka Azado (SAT 750) waxaa looga gol lahaa in la jabiyo dhaqammada xunxun ee dumarka Hindiya liidaya kana hor istaagaya waxbarashada iyo guud ahaan sinnaanta Jinsiga. “Aniga waxaan guursaday marki ay da’deydu ahayd 18 jir weliba guur qasab ah waxaana nolosha iga soo maray caqabado aad u badan haddey ahaan lahayd xagga jinsiga iyo xagga waxbarashada intaba marka waxaan mashruucaan u hirgelinnay gabdhaha Hindiya inaan tusno waddada keli ah ee ay caqabadaha haysta uga gudbi karaan iney tahay waxbarsho,” ayey tiri Maareeyaha hay’adda Dayax-gacmeedka Hindiya Srimathi Kesson oo BBC u warrantay. Gabdhaha dalka Hindiya waxay la kulmaan caqabado badan oo dhanka nolosha iyo dhanka bulshada, waxayna weli u dagaallamayaan sidi ay u heli lahaayeen xorriyadda sinnaanta jinsiyadeed ee ay leeyihiin balse weli fari kama qodna. Srimathi ayaa tiri, “Waan ku raacsanahay in gabdhuhu aysan weli helin xorriyad buuxda, laakiin sidoo kale gabdhuhu waxay gaareen guulo badan, isbeddello badanna way dhaceen. Maanta waxaan awood u yeelannay inaan hawada sare u dirno Dayax-gacmeed hablo oo keli ah ay sameeyeen, taa lafteeda waa guul weyn oo noo soo hoyatay."" Dalka Hindiya ayaa u dabbaldagayaa sanadguurada 75-aad ee ka soo wareegtay maalinta uu xorriyadda qaatay, xilli ay kala bar shacabka dalkaasi ku nool oo haweenka ah ay la kulmayaan caqabado nololeed oo dhinacyad badan uga imanaya." https://www.bbc.com/somali/articles/c51vd5l9789o +technology Qaabka uu Shiinaha u xado xogta sirta ah ee Mareykanka "Waxuu ahaa sawir u eg mid aan wax yeello ku duugnayn balse noqday jab ku yimid Zheng Xiaoqing, oo horay u ahaan jiray shaqaale u shaqaynayay shirkadda tamarta iyo korantada ee General Electric Power. Sida laga soo xigtay waaxda cadaaladda Maraykanka ee dacwad soo oogidda, muwaadinkan Mareykanka ayaa faylal sir ah oo laga xaday shirakadda uu u shaqaynayey ku dhex qariyay sawir uu ka qaaday qorrax dhaca isagoo xogta ka dhigay qaab lambaro ah. Ka dib Mr Zheng ayaa sawirkii ku dirsaday email-kiisa. Waxay ahayd farsamo afka qalaad lagu dhaho ""steganography"", oo ah hab lagu qariyo fayl xogtiisa gudaha warbixinta fayl kale oo aan sir ahayn. Mr. Zheng ayaa dhowr jeer sidan sameeyay si uu faylal xasaasi ah uga qaado shirakaddan uu u shaqaynayey. GE waa shirkad caalami ah oo caan ku ah shaqada daryeelka caafimaadka, tamarta iyo waaxyaha hawada, taasoo waxyaabo badan soo saarta laga billaabo Tallaagadaha wax qaboojiya ilaa matoorrada diyaaradaha. Xogta uu Zheng xaday waxay la xidhiidhay naqshadaynta iyo samaynta marawaxadaha gaaska iyo uumiga oo ay ku jiraan marawaxadaha iyo shaabadaha marawaxadaha. Qiimaha xogtan la xaday ayaa lagu sheegay malaayiin doolar. Xogtan oo shiinaha loo diray ayaa ugu dambeyntii Faa’iido weyn u noqonaysa Dawladda Shiinaha, Shirkadaha iyo sidoo kale Jaamacadaha Shiinaha. Zheng ayaa lagu xukumay labo sano oo xarig ah horaantii bishan. Waa kiiskii ugu dambeeyay ee taxane kiisas noocan oo kale ah oo ay mas'uuliyiinta Mareykanka soo oogeen. Bishii Nofembar Xu Yanjun oo u dhashay Shiinaha oo la sheegay inuu ahaa basaas  ayaa lagu xukumay 20 sano oo xadhig ah, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu qorsheynayay inuu xado siraha ganacsiga ee dhowr shirkadood oo qaabilsan duulista iyo hawada Mareykank – kuwaas oo ay ku jirto GE. Mar uu ka hadlayey kiiska Zheng ayuu Alan Kohler Jr  oo ah Sarkaal sare oo FBI-da ka tirsan sheegay in Shiinuhu uu beegsanayo ""xariifnimada Mareykanka"" oo uu doonayo inuu ""ka tuuro meeqaamkooda"" hgoggaaminta caalamka. Marawaxadaha gaaska ee diyaaradaha korontada ku shaqeeya ayaa udub dhexaad u ah horumarinta warshadaha duulista ee Shiinaha. Qalabka hawada iyo duulista ayaa ka mid ah 10-ka qaybood ee ay mas'uuliyiinta Shiinuhu ku beegsanayaan horumar degdeg ah si loo yareeyo ku tiirsanaanta waddanku ku tiirsan yahay tignoolajiyaada ajnabiga . Balse basaasnimada warshadaha Shiinaha ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysa qaybo kale oo badan. Sida laga soo xigtay Ray Wang, aasaasaha iyo maamulaha hay’adda latalinta iyo cilmi baarista ee fadhigeedu yahay Silicon Valley, meelaha ay basaasiinta Shiinuhu bartimaameedsadaan waxaa ka mid ah horumarinta dawooyinka iyo qalabka tiknoolojiyadda ee lagu sameeyo waxyaabaha il-ma-qabatada ah ee loo yaqaanno ""nanotechnology"". Mr Wang waxa uu soo xigtay sheeko uu qoray madaxii hore ee cilmi baadhista iyo horumarinta ee shirkadda Fortune 100, kaas oo u sheegay in ""qof uu aad u aaminay"" – oo sida ay isugu dhow yihiin xataa carruurtooda isla koreen - in ugu dambayntii la ogaaday in uu ku jiro liiska dadka mushaarka ka qaata Xisbiga Shuuciga Shiinaha. ""Wuxuu si naxariis leh iigu sharaxay in basaasiinta ay meel walba joogaan,"" ayuu yidhi. Waxaa si gaar ah la isku dayay in la xakameeyo jabsashada. Sannadkii 2015-kii Maraykanka iyo Shiinaha waxa ay gaadheen heshiis ay labada dhinacba ku ballan-qaadeen in aanay fulinayn ""xatooyada internetka ee hantida cilmiga oo ay ku jiraan sirta ganacsiga ama macluumaadka kale ee faa'iidada ganacsi leh"". Sannadkii xigay, Hay'adda Ammaanka Qaranka ee Maraykanku waxay ku eedaysay Shiinaha inay jabiyeen heshiiska, inkastoo ay qiratay in tirada isku dayga loo sameeyay in la jabsado xogta dawladda iyo shirkadaha ay ""si weyn"" hoos ugu dhacday. Laakiin dadka arrimahan indha-indheeya ayaa sheegaya in saamaynta guud ee heshiiska ay ahayd mid aad u yar. Mr Wang waxa uu sheegay in heshiisku uu noqday mid ""iska ciyaar ah"" taas oo ay ugu wacan tahay dhaqangelin la'aantiisa. Basaasnimada internet-ka ee Shiinaha ee lala beegsado Maraykanka waxa ay ahayd mid ""balaadhan"" oo ku fidday shaybaadhka tacliinta. ""Waxay ka socotay dhinac kasta oo ganacsiga reer galbeedka ah,"" ayuu ku yiri wareysi nuu siiyay BBC. Hase yeeshee Lim Tai Wei oo ka tirsan Jaamacadda Qaranka ee Singapore ayaa xusay in aysan jirin ""daraasaad aan la isku raacsanayn oo qeexan"" oo ku saabsan inta ay la egtahay dhacdada. ""Qaar waxay aaminsan yihiin in muddo gaaban ay hoos u dhacday basaasnimada internetka ee Shiinuhu ku hayo Maraykanka, laakiin ay dib ugu soo noqotay heerkeedii hore. Qaar kale waxay aaminsan yihiin in uu ku guuldareysatay sababo la xiriira cilaaqaadka Maraykanka iyo Shiinaha oo guud ahaan xumaaday,"" ayuu yidhi. Dhanka kale Mareykanka ayaa hadda si toos ah isugu dayaya inuu hor istaago horumarka Shiinaha ee warshadaha semiconductor-ka muhiimka ah - oo muhiim u ah wax walba laga bilaabo taleefannada casriga ah ilaa hubka dagaalka - isagoo leh adeegsiga Shiinaha ee tignoolajiyada ayaa khatar ku ah amniga qaranka." https://www.bbc.com/somali/articles/cpvk22q25z0o +technology Hindiya: Maxaa la isugu qabsadaa hantida dar ilaaheey loo bixiyo ‘Waqf’ Maxkamadda sare ee gobolka Karnataka ayaa go’aan ka gaartay hanti muddo dheer ay isku haysteen dadyowga aaminsan diimaha kala duwan oo ku nool gobolkaasi. Hase yeeshee go’aanka ay maxkamadda gaartay waxaa ka dhalatay muran xooggan. Guddiga waqfiga ee Karnataka waxay sheegeen dhismaha Idgah iney muslimiintu leeyihiin oo ay dadka aaminsan diimaha kale ay isticmali Karin. Maxkamaddana waxay amar ku bixisay iney hantidaasi muranka uu ka taagan yahay ay u diiwaangashaneen hanti ‘Waqfi’ ah oo dar ilaaheey loo bixiyey. “Hantidaasi waxaa iska leh oo maamuli karo dowladda hoose ee magaalada Hubli-Dhawad,” ayuu yiri garsooraha maxkamadda Justice Ashok oo xukunkaasi ku dhawaaqay. 2010-kii xukun ay maxkamaddu arrintan ka gaartay waxay ku sheegtay iney dhismahaasi gabi ahaantii leeyihiin muslimiinta horayna loogu waqfay. ‘Waqf’ waxaa la dhahaa hanti kasta oo guurta ama ma guurta ah oo qofki lahaa ama dadki lahaa inta aysan dhiman ay ilaaheey dartii u bixiyeen oo ay siiyeen cid gaar ah. Inta badanna waxyaabaha ‘Waqf’ loo bixiyo waxaa ka md ah dhul masaajid loo waqfo, dhismo arrimaha diinta loo waqfo, dhismo iskuul loo waqfo iyo hanti kale oo ma guurta ah oo loo bixiyo si dadka nool ay uga faa'ideystaan. Waxyaabaha ‘waqf’ loo bixiyana marka dhanka diinta islaamka laga eego waxay leedahay darajo aad u sarreysa iyo ajir aad u badan. Maxkamadda sare ee dalka Hindiya 1998-kii waxay gaartay go���aan ah hanti kasta oo mar ‘waqf’ lagu bixiyo iney weligeed ‘waqf’ sii ahaaneyso. Haddaba ereyda ‘Waqf’ la xiriiro iyo sida loo micneeyo: Kalmadda waa kalmad afka carabiga ah oo dadyowga muslimka ah ay si weyn u adeegsadaan. Dhismaha Taj Mahal ee caanka ah laftisu wuxuu ka mid yahay hantida ‘waqf’ lagu bixiyey oo ay maamulaan guddi ay dowladda Hindiya u xilsaartay. Haddaba hantida Idgah oo haatan la isku haysto oo ay maxkamadda go’aanka ka soo saartay ayaa ka kooban Masaajid, Qabuuro dadka lagu aaso,  beero, dhismayaal, dhul cagaaran iyo hanti kale. Sida ay tilmaameyso warbixin la soo saaray bishii August 2022-ka dalka Hindiya waxaa ka diiwaan gashan in ka badan 851,535 hanti oo ‘Waqf’ lagu bixiyey. Iyada oo hantida ugu badan oo waqfiga lagu bixiyey ay leeyihiin muslimiinta Sunniga iyo Shiicada ee dalka Hindiya ku nool. Sida oo kale waxaa dalkaasi Hindiya ka jiro in ka badan 32 guddi oo maamulo hantida ‘Waqf’ lagu bixiyo ee dalka Hindiya. https://www.bbc.com/somali/articles/c51r7j0jgv5o +technology """Daanyeer ayaa taleefoonkeyga iga xaday oo isku soo sawiray kaddibna soo tuuray""" "Wiil u dhashay dalka Malaysia ayaa sheegay in taleefankiisa gacanta oo maalmo ka maqnaa uu ku arkay sawirrada iyo muuqaallo daanyeerro oo uusan ogayn cidda qaaday ama duubtay. Muuqaal ka mid ah kuwa lagu duubay taleefoonka wiilkani oo maalmo ka maqnaa ayaa muujinaya daanyeer isku dayaya in uu cuno taleefoonka - arrintaas oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ay kuwa xiririto, kaddib markii Zackrydz Rodzi uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Zackrydz Rodzi oo ah arday, ayaa sheegay in markii hore uu moodayay in isagoo hurda taleefankiisa la xaday. Balse wali ma cadda sida dhabta ah ee taleefoonkaasi uu uga lumay. Sidoo kale ma ay cadda sida iyo cidda daanyeerradaas ka duubtay muuqaalka kana qaadday sawirrada. Zackrydz oo 20 sano jir ah ayaa BBC-da u sheegay in abbaare 11-kii subaxnimo ee Sabtida markii uu hurdada ka soo toosay uu ogaaday in taleefankiisa gacanta uu maqan yahay. ""Ma jirin wax muujinaya in gurigeyga loo soo dhacay. Waxa kaliya ee maskaxdayda ku soo dhacay ayaa ahaa in waxani yihiin sixir,"" ayuu yiri ardaygan dhiganaya fasalka ugu dambeeya ee cilmiga kombuyuutarka. Dhowr saacadood kaddib, muuqaal lala wadaagay BBC-da ayaa muujinayay daanyeer isku dayaya in uu cuno taleefanka. Muqaalka ayaa laga dhex arkayay danyeerka oo kaamerada taleefoonka hoos u fiirinaya oo dhabarkiisuna ay ka muuqdaan caleemo iyo shanqarta koox shimbiro ah. Waxaa sidoo kale taleefoonka lagu arkay sawirro tiro badan oo daanyeerro ah, geedo iyo caleemo kale oo taleefanka lagu duubay. Zackrydz waxa uu sheegay in illaa galabnimadii Axadda uu waayay meel uu u raaco taleefoonkiisa, balse markii dambe aabihii ayaa arkay daanyeer taagan banaanka gurigooda. Odaygii ayaa wacay taleefanka wiilkiisa wuxuuna durbadiiba maqlay dhawaaqa ama dhicitaanka taleefoonka oo ka yeeraya hawdka oo ah meel dhawr tallaabo oo ka dambeeysa deyrka dambe ee gurigooda. Kaddib wuxuu arkay taleefoonkii oo dhoobo miiran ah isla markaana ku dhex jira caleen. Adeerkii ayaa ku kaftamiyay in ay suurtagal tahay in sawirka tuugga xaday laga helo taleefoonka gudahiisa, sidaa awgeed markii uu tirtiray wuxuu toos u abbaaray keydka sawirrada, halkaa oo uu ku arkay sawirro badan oo daanyeerra ah. Ardaygan ayaa BBC-da u sheegay in inkastoo meelaha kale ee adduunka ee daayeertu ay ku nooshahay magaalooyinka gudahooda iyo agagaarkooda, ay dhacdo in daanyeertu ay dadka alaabta ka xaddo, sidaas oo ay tahayna, waxa uu sheegay in hore aysan halkan uga dhicin in daanyeer uu wax ka xado dadka deggan xaafaddooda. Waxa uu tuhunsan yahay in daanyeerku uu guriga ka soo galay daaqadda qolka jiifka ee walaalkiis oo xilligaasi furnayd. ""Waa wax aad arki kartid hal mar qarnigiiba,"" ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka, qoraalkaasi oo aad loogu baahiyay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto isla markaana ay sii faafiyeen warbaahin badan oo maxalli ah. Ma ahayn markii ugu horraysay oo sawirro uu daanyeer iska qaaday ay qabsadaan warbaahinta caalamka. Sanadkii 2017, dacwad u dhaxeysay sawir qaade Ingiriiska u dhashay iyo hay'ad u doodda xaquuqda duurjoogta ayaa la xalliyay kaddib laba sano oo la isku haystay sawirro uu daanyeer qaaday. Sanadkii 2011, daanyeer lagu magacaabo Naruto oo ku nool hawdka dalka Induniisiya ayaa dafay kaamero uu leeyahay nin lagu magacaabo David Slater kaddibna uu sawiirro dhawr ah iska qaaday. Slater ayaa ku dooday in isagu uu leeyahay lahaanshaha xuquuqda sawirradaasi oo intarneetka aad loogu baahiyay balse hay'ad u doodda xaquuqda duurjoogta oo lagu magacaabo Peta ayaa sheegtay in ay khasab tahay in daanyeerkii sawiiradani qaaday uu ka faa'iideysto dhaqaalaha Slater uu ka helay sawirradaasi. Maxkamad ku taal Mareykanka ayaa markii dambe Slater u xukuntay xuquuqda lahaanshaha sawirradaasi sidaasina daaqadda uga tuurtay dacwaddii hay'adda Peta balse Slater ayaa ogolaaday in 25% dakhligii ka soo galay sawirradaasi uu siiyo hay'adda dhaqaaleyso daanyeerkaasi iyo kuwo kale oo ku nool keymaha dalkaasi Induniisiya." https://www.bbc.com/somali/war-54170862 +technology Waa maxay walxaha duula ee lagu arkay hawada Mareykanka ee dhaliyay walaaca? "Warbixin ay soo saartay dowladda Mareykanka oo ka hadleysay walxo duula oo aan la garan waxa ay yihiin ayaa lagu sheegay inaan la heyn wax caddeymo ah oo xaqiijinaya jiritaanka walxahaas ee hawada Mareykanka. Balse warbixinta ma aysan beenin suurtogalnimada jiritaanka waxyaabahaas oo kale, sida ay saraakiil dowladda ka tirsan u sheegeen warbaahinta Mareykanka. Qiimeyn lagu sameeyay 120 dhacdo ayaa la filayaa in lagu shaaciyo in teknolojiyadda Mareykanka aysan ku lug lahayn inta badan arrimahaas. Balse warbixinta laguma qiimeyn waxa ay yihiin walxahaas lala xiriiriyay dhacdooyinkaas, sida ay saraakiishu sheegeen. Waxaa lagu wadaa in wakiillada Kongareesku ay bishan dhexdeeda helaan nuqul ka mid ah warbixinta. Warbixintu waa natiijada howlgal ay sameeyeen milatariga Mareykanka oo sanadkii la soo dhaafay lagu baarayay walxo duula oo aan la garan oo tobnaankii sano ee la soo dhaafay lagu arkayay hawada Mareykanka. Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka, (Pentagon), ayaa sheegtay inay dooneysay inay wax badan ka fahanto walxahan, oo loo soo gaabiyo (Yovuz), si loo go'aansado inay khatar ku yihiin ammaanka qaranka iyo in kale. Warbixinta ayaa soo jiidatay dadka Ameerikaanka ah. Warbaahinta ayaa markii ugu horreysay shaacisay shalay, waxaa ka mid ahaa New York Times iyo Washington Post, kaddibna waxaa ku soo xigtay CNN. Warbaahintan ayaa sheegay inay la hadleen ilo kala duwan oo dowladda ah oo ay wax ka weydiiyeen natiijada warbixinta. Saraakiisha ayaa sheegaya in in ka badan 120 dhacdo lagu xusay warbixinta kuwaas oo dhacay 20-kii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo badankood ay soo tebiyeen shaqaalaha ciidamadda badda ee Mareykanka, halka qaar kalena ay soo sheegeen ciidamo ajaanib ah. Si kastaba, ma jiro wax xaqiijinaya in waxyaabahan duula ee ay arkeen duuliyeyaasha ciidamada badda ee Mareykanka ay ka yimaadeen dhanka spacecraft, sida uu ku warramay York Times. Warbixinta cusub ayaa soo xigatay saraakiil sirdoon ah oo sheegaya in laga yaabo in waxyaabahan ay ka tarjumayaan tijaabooyinka teknolojiyadeed ee ay soo bandhigaan ciidamada ay cadowga isku yihiin ee Ruushka amaba Shiinaha. Wargeyska iyo CNN ayaa intaas ku daray in saraakiisha sirdoonka ay ka walaacsna yihiin saameynta ay walxahaas ku yeelan karaan ammaanka qaranka. Warbaahinta CBS ayaa barnaamijkeeda 60 Daqiiqo ku wareysatay duuliyeyaal ciidamada badda ee Maryekanka ka tirsan, kuwaas oo arkay walxo duula oo aan la garaneyn, kuwaas oo u duulayay si ka xawaare dheereysa wax walba oo duula oo ay garanayaan. Duuliyaha howlgabka noqday ee Ryan Graves ayaa sheegay in shirkadda Jet Squadron, ee uu la shaqeyn jiray, ay bilowday in sanadkii 2014 ay aragtay walxo duula oo maraya aagga la mamnuucay ee Virginia. Wuxuu intaa sku daray in walxahan aysan sii deyn qiiq la arki karo, iyagoo ku duulaya xawaare sare oo aan lagu qiyaasi karin teknolojiyadda haatan jirta. Wuxuu sidoo kale sheegay in dhacdo noocaas oo kale ah la arkay xilli uu tababar duuliyenimo ah uu ka socday xeebta Atlaantikada, iyadoo walxahaas la arki jiray inta badan si maalinle ah muddo labo sano ah."" Labo bilood kahor, Pentagon-ka ayaa shaaciyay saddex muuqaal oo muujinaya waxa lagu sheegay ""xaalad cimilo oo aan sharraxaad laga bixin"". Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay inay dooneyso inay meesha ka saarto wax walba oo madmadow ah oo ku saabsan xaqiiqda muuqaalladaas oo la soo dusiyay sanaidhii 2007 iyo 2017." https://www.bbc.com/somali/war-57362203 +technology "Dhibaatada Qurbaha: ""In ka badan 400 oo codsi kadib ayaan helay shaqadii aan ku taamayay""" "Markii ay Ruth Ozavize Ossai bishii March 2020 u guurtay dalka Britain, ma aysan fileyn in in ka badan 400 oo arji shaqo ay dirsan doonto ka hor inta aysan heli shaqadii ay ku taamaysay. Rush ayaa jaamacad ku taalla dalka Nigeria ka baratay culuunta Chemistry, balse markii dambe waxa ay u wareegtay xirfadda badqabka goobaha caafimaadka. Haweeneydan 30 jirka ah ayaa BBC u sheegtay in aysan ka niyad jabin codsiga shaqada ay ku taamaysay oo ah inay ka hawlgasho xarumaha caafimaadka. Markii ay bishii June 2020 weyday shaqa ay rabtay, waxa ay ku qasbanaatay inay ka shaqeyso hawl aan xirfadeeda ahayn, balse markii dambe waxa ay fursad ka heshay xarun caafimaad. ""Todobaad kasta, Isniin ilaa Jimco, waxaan diri jiray arji shaqo, maalintiina waxaan gudbin jiraa ilaa 15 codsi. Markii aan dib u tirinay aniga iyo seygeyga, waxaan tirada codsiyadaas gaarsiinay in ka badan 400,"" ayay Rush u sheegtay BBC qeybteeda Pidgin. Haweeneydan ayaa sheegtay in culayskaas aanu saameyn dedaalkeeda, oo ay ogeyn in maalin uun ay heli doonto fursadda ay raadinayso. ‘Waxaan codsaday in ka badan 300 oo shaqo' Mataano qaarka dambe isaga dhegan oo ""shaqo wanaagsan"" helay Mar la weydiiyay waxa ka khaldanaa codsigeeda ee intaas oo dhan loo tixgelin waayay ayaa waxa ay Ruth sheegtay in sababaha ay ku weyday shaqooyinkaas ay kamid ahaayeen: Ruth ayaa dadka shaqo doonka ah kula talisay in marka ay dirsanayaan codsiyada ay si wanaagsan igu diyaariyaan waraysiga iyo waxa la weydiin karo. Waxyaabaha ay sida gaarka ah isaga eegi karaan waxaa kamid ah: Dedaalkaas dheer kadib, Ruth waxa ay hadda haysataa shaqadii ay ku taamaysay, mushaar wanaagsan iyo weliba khibrad ku filan. ""Si wanaagsan ayaan u gutaa hawsheyda, mana jiraan wax igu adag, madaxda iyo shaqaalaha ba way ku faraxsan yihiin dedaalkeyga,"" ayay tiri Ruth. Inta badan Afrikaanka u tahriiba waddamada Galbeedka ayaa rumaysan in shaqooyin wanaagsan ay si dhib yar uga heli karaan dalalkaas, balse xaqiiqada ayaa ah in taasi ay runta ka fog tahay." https://www.bbc.com/somali/war-61201981 +technology Muxuu yahay Mashiinka dadka waaweyn u wanaagsan carruutana looga digay? Waaxda amniga gudaha ee dalka Mareykanka ayaa uga digtay dadka inay joojiyaan isticmaalka mashiinka lagu ordo ee loo yaqaan Platonic. Waaxda dowladda u qaabilsan bad-qabka qalabka ayaa sheegtay in 39 shil oo ay sababeen mashiinadaan ay dhaceen. Sida ay sheegtay hay'addu, hal qof ayaa u dhintay mashiinka dartiis. Waxaa la xaqiijiyay in hal qof uu dhintay bishii la soo dhaafay waxaana looga digay carruurta in aysan u soo dhowaan mashiinka. Si kastaba ha noqotee, bayaan ka soo baxay hay'adda ilaalinta tayada alaabaha ayaa lagu sheegay in warkaan uu yahay mid runta ka fog oo u muuqda marinhabaabin. Platon oo ah mashiinka lagu ardo ayaa dad badan guryaha ku isticmaalaan iyagoo ku sameeyo jir dhis. Mashiinadaan ayaa qiimahoodu sare u kacay kadib markii dad badan guri joog noqdeen maadama dunida uu ka jiro fayraska karona oo dad badan ku qasbay in ay xaafadaha joogaan. Muuqaal la baahiyay Sabtidii shalay ayaa lagu arkay muuqaal muujinaya ilmo lagu jiidayo mashiinka. Bayaan ka soo baxay Waaxda amniga gudaha ee dalka Mareykanka,ayaa lagu sheegay in Mashiinku uu dhalaanka halis ku yahay loona baahanyahay in laga digtoonaado. Hay'ada dhowrista tayada qalabka ayaa sheegtay in mid ka mid ah 39-ka shil ee dhacay xili uu waalid uu isticmaalayay Mashiinka. Warbixinta ayaa lagu yiri waxaa wanaagsan in caruurta laga fogeeyo mashiinada marka ay waalidiintu isticmaalayaan . Dadka waaweyn ee isticmaala Mashiinka oradka ayaa lagula taliyay in ay qolalka xirtaan xiliyada ay ku ordayaan mashinka . Carruurta looga digay Mashiinkaan ayaa ah kuwa da'doodau ka yartahay 16 jirka. https://www.bbc.com/somali/war-56792870 +technology Maxay tahay sababta Facebook, Youtube iyo Twitter ay u saareen muuqaalka haweeneydan? "Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada ee caalamka qabsaday muuqaalka haweeney dhakhtarad ah oo u dhalatay dalka Nigeria balse ka hawlgasha Mareykanka, taasi oo ku andacootay inay heshay daawada fayraska corona. Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa koox isugu yeertay inay yihiin ""dhakhaatiirta Amerikaanka ee safka hore uga jira la dagaalka corona"" oo xiran dharka qafilan waxaa ay sheegeen hadal loo arkay in uu yahay marin habaabin la xiriirta cudurka Corona. Kooxdan ayaa sheegtay in daawda malaariyada ee hydroxychloroquine ay waxtar u leedahay daweynta xanuunka corona, sidookalena xirashada maryaha gafuurka lagu xirto aanay waxba tareynin. ""Waxaa daawada hydroxychloroquine ku daaweeyay dad gaaraya 300 oo bukaan oo qaba xanuunka corona, daawada waxay leedahay waxtar"", ayay tiri Stella Emanuel oo la hadleysay warbaahinta. Muuqaalkaas ma uusan yeelanin wax sameynin markii hore balse waxaa lagu baraarugay markii madaxweyne Donald Trump iyo curadkiisa Trump Junior ay arrinkaas ku taageereyn barta Twitter-ka, taas oo keentay in ay si aad ah baraha bulshada u qabsato, laguna baahiyo Facebook iyo Twitter. Sidoo kale muuqaaladaas ayaa lasoo dhigay barta muuqalaada la dhigo ee Youtube-ka, haseyeeshe saacado kadib waxaa hawada ka saaray shirkadaha Facebook iyo Twitter, kadib markii ay sheegeen inay marin habaabinayaan dadka, aysan waafaqsaneynna shuruucdooda. Facebook, YouTube iyoTwitter ayaa inta anaay saarin kahor waxaa muuqaalkaas daawatay dad ka badan 17 milyan oo qof. Madaxweyne Trump ayaa ku andacooday in daawada malaariyada ee hydroxychloroquine ay daweyso corona, taas oo kahor imaneysa tallooyinka caafimmaad ee ilaa iyo hadda lagu dhaqmo. Khubarada caafimmaadka ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan heynin wax caddeynaya in daawdaas ay dabiibi karto fayraska adduunka aafeeyay ee ilaa iyo hadda loo la' yahay dawo rasmi ah. Trump waxaa kale o uu sheegay in sababta keliya ee loo diidayo daawada Covid19 ay tahay in uu isaga soo jeediyay, balse dadka qaar waxay su'aal gelinayaan aqoonta uu madaxweyne Trump u yeelan karo in uu ogaado waxa daawo u noqon karo xanuunka corona, maadaama saraakiisha caafimmaadka ee ugu sareysa Mareykanka aysan la qabin arrinkaas. Shirkadda Twiter ayaa sidoo kale curudka Trump ka mamnuucday in uu bartaas wax ku qora muddo 12 saac, taas oo ah ganaaxa muuqaalka uu baahiyay. Dhakhaatiirta cudurrada faafa ee Mareykanka ayaa ka digay hadalada marin habaabinta ee la xiriirta corona. Hey'adda cuntada iyo daawada ee dalka Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay ka digtay isticmaalka daawadaas, kaddib markii ay ogaadeen inay waxyeeleyn karto wadnaha. Sidoo kale hey'adda caafimmaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in aysan heynin wax caddeyn ah oo muujinaya in daawada malaariyada ay daweyn karto covid19, sidaas darteedna aanan lagu kadsoomin. Daraasad ay si wadajir ah u soo saareen WHO iyo machadka caafimmaadka ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in dadku ay ka digtoonaadaan isticmaalka hydroxychloroquine oo uu soo jeediyay mas'uulka ugu sareeya Mareykanka. Hadal heynta ah in daawada Hydroxychloroquine loo isticmaali karo corona ayaa soo shaac baxday bishii Maarso ee sanadkan, xilligaas oo ku doodayay madaxweyne Trump balse su'aal la geliyay sax ahaanshaheeda. Go'anka ay qaateen shirkadaha baraha bulshada ayaa u muuqda mid lagu dardagelinayo dedaalada looga hortagayo macluumaadka khaldan ee cudurka corona. Maxaan ka naqaannaa dawooyinkan? Mr Trump wuxuu marar badan ""wax tarka ay dawadan u leedahay coronavirus"" ku sheegay shirarka jaraa'id ee uu ku qabanayay Aqalka Cad, wuxuuna yiri: ""Maxay kaa dhibeysaa? isticmaal."" Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa isagana sheegay in dawada loo adeegsado Malaariyada ay meel kasta ka shaqeyneyso, inkastoo hadalkaas ay shirkadda Facebook meesha ka saartay, maadaama ay sheegtay inuu hareer marayo sharciga ay kula dagaallameyso faafinta xogta marin habaabinta ah. Wixii ka dambeeyay hadalkii uu madaxweyne Trump arrintaas ku sheegay dabayaaqadii bishii March, waxaa jiray sare u kac weyn oo lagu soo warramay inuu ku yimid isticmaalka dawada malaariyada ee gudaha Mareykanka, inkastoo dalabkaas uu markii dambe hoos u dhacay. Kaniinnada ka sameysan maaddada chloroquine-ta waxaa muddo dheer loo isticmaalayay in lagu daweeyo xanuunka ay kaneecada sababto ee malaariyada, si loogu dhimo qandhada iyo kuleyka xad-dhaafka ah, rajaduna waxay tahay inay dawaasi sidoo kale ula tacaali karto faraska dhaliya cudurka Covid-19." https://www.bbc.com/somali/53577276 +technology Su'aalihii ugu badnaa ee Google la weeydiiyay 2021-kii "Shirkadda Google ayaa shaaca ka qaaday liiska qaar kamid ah su'aalihii ay dadka weeydiyeen boggeeda Internet-ka, arrimahan oo muujinaya sida ay xaaladdu aheyd sanadkii tagey ee 2021-ka. Shirkadda weyn ee bixisa adeegyada teknoolajiyadaa ayaa ah goobta ugu caansan ee bixisa jawaabta su'aal kasta oo ay dadka weeydiyaan iyo mowduucyada kale ay dadka xiiseeyaan si ay wax uga ogaadaan. Markii uu cudurka Karona ku baahay dunida oo la galay sanadkii 2021-ka, dadka waxay weeydinayeen Google ereyga 'doomscrolling', oo ah kelmed Ingiriisi ah oo macnaheedu yahay ""in la arkayo war aan fiicnayn"". Shirkadda Google ayaa sheegaysa in la weeydiyay kelmadda 'doomscrolling' marar badan marka loo barbardhigo sanadihii hore, dad badan ayaa kelmadda ka baarayay Google, bishii January ayaa ugu sarreysay. Dunida waxaa sanadkii lasoo dhaafay si ba'an u saameeyay Covid-19, jawhareer iyo hubaanti la'aan ayaa ka dhashay, dalalka waxay xireen xudduudaha, waxaana hakad galay duulimaadyada, dalalka waxay ku dhawaaqeen bandow looga hortaggayo fiditaanka cudurka. Dadka waxay ku wada jireen internetka iyagoo xog ka raadinaya halkaas. Sanadkii 2021-ka, waxay dadka weeydinayeen kelmada 'caafimaadka dhimirka' kadib kalinimadii iyo muragadii ka dhalatay xayiraadda covid-19, dadka qaar wuxuu cudurka ka dilay xubnaha qoyskooda. Dadka adduunka ku nool waxay waydiinayeen Google 'sida loo daweeyo burooyinka maskaxda' in ka badan sidii hore. Dadka arrimaha caafimaadka kaliya ah ma aysan weeydineynin Google balse waxay sidoo kale weeydinayeen saameynta ka dhalatay isbaddallada cimilada sida duufaannada iyo dabka baabi'iyay keymo ku yaalla dunida. Marka loo eego xogta Google-ka, dadka waxay weeydinayeen sida loogu noolaan karo duni nadiif ah abid. Sidee bay noloshu ahayd Google ka hor? Google maalin khaldan miyey u dabaal degtay sannad guuradii 20-aad? Google 'oo ka aargoosanaya shaqaale ka cabanayay takoor loo geysto haweenka' Dadka deggan magaalooyinka iyo buuraha waxay raadiyeen macluumaad ku saabsan 'saamaynta isbeddelka cimilada' marka loo barbardhigo sanadihii hore. Waxyaabaha ay dadka si weyn uga raadinayeen Google waxaa kamid ah xogta la xiriirta jasiiradda Fiji oo uu si xun u saameeyay isbeddelka cimilada. Dadka waxay inta badan ka walaacsanayeen shaqadooda iyo dhaqaalahooda kadib jahwareeka dhaqaale ee uu sababay cudurka Karoona. Sanadkii 2021-ka, dadka waxay weydinayeen Google, """"sida loo bilaabi karo xirfad cusub"" iyo ""qaababka shaqo loo heli karo"" Dalka Mareykanka oo kaliya, in ka badan afar milyan oo qof ayaa shaqooyinkoodii waayay bishii Oktoobar, sida lagu sheegay xog laga helay waaxda shaqada ee dalkaas. Kadib saameyntii dhaqaale ee ka dhalatay safmarka covid-19, dadka waxay bilaabeen in si taxaddar leh ay u darsaan sidii ay u baddalan lahaayeen xirfadahooda shaqo." https://www.bbc.com/somali/59853198 +technology Muxuu yahay sawirka dhaqaajiyay quluubta malaayiinta qof? "Sawir muujinaya ilma yar oo da'diisa lagu qiyaasay saddex jir oo ku dul fadhiya meydka awoowgii ayaa qabsaday baraha bulshada ee dalka Hindiya iyo guud ahaan meela badan oo caalamka. Ilmahan yar oo lagu magacaabo Aayad ayaa la sawiray isagoo ku dul ooynaya meydka awooga oo qoyskiisa ay sheegeen in ay dileen ciidamada Hindiya ee Kashmiir. Sawirkan oo caro badan dhaliyay ayaa la qaaday xilli dagaal u dhaxeeya ciidamada Hindiya iyo koox kasoo horjeeda uu ka socday magaalada Sopore ee Kashmiir qeybta Hindiya ay maamusho, waxaana sawirka laga dheehan karay canugga yar oo wajigiisa argagax ay ka muuqato, awoowgii oo meyd ahna ku dul oynaya. Haseyeeshee booliska dalka Hindiya ayaa iyaguna soo bandhigay sawir kale oo ay shegeen in ilmahaas yar ay kasoo badbaadiyeen goob ay ku dirirayeen booliska iyo koox ay dowladda dalkaas ku tilmaamtay ""argagixiso"". Qaar kamid ah sawirada ay soo bandhigeen booliska ayaa muujinaya Aayad oo la socda sarkaal boolis ah, sawirkaas oo ay ku tilmaameen in uu caddeyn u yahay sida booliska ay usoo badbaadiyeen. Dad badan waxay sheegashada booliska ku tilmaameen borobagaando ay ku doonayaan inay ku jahwareeriyaan xaaladda dhabta ah. Suhail Axmed oo uu dhalay odayga la dilay ayaa warbaahinta maxalliga ee dalka Hindiya u sheegay in aabihii oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Khan ""laga soo saaray baabuurkiisa, kadibna lagu hor toogtay ilmaha yar oo baabuurka la saarnaa"". Wuxuu intaa raaciyay in markii aabihii la dilay, meydkiisa ay booliska dusha ka saareen ilmaha yar, kadibna ay sawir ka qaadeen. Waxaa baraha bulshada lasoo dhigay sawiro dhowr oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn cidda qaaday, inkastoo loo maleynayo in uu qaaday qof kamid ah ciidanka Hindiya. Balse eedeymaha qoyska Khan ay u jeediyeen booliska waxaa ka hadlay taliyaha booliska Hindiya ee Kashmiir, Vijay Kumar oo waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada qoyska. Waxaa uu Kumar sheegay in odaygaas ay haleeshay rasaas ay soo rideen kooxdii la dagaalameysay ciidanka Hindiya. Wuxuu intaa raaciyay in ciidanka ay soo badbaadiyeen ilmaha yar, qoyska marxuumkana ay iska eedeynayaan dowladda. Balse qoyska Khan waxay sheegeen in aysan taas rumeysneyn. ""Sida ay booliska wax u sheegayaan waa mid aan waxba ka jirin, haddii uu aabahay dhexda u galay dagaalka labda dhinac, waxaa meydkiisa loogu tegi lahaa gudaha baabuurkiisa, wax nabar ah oo ka muuqda gaariga malahan,"" ayuu ku andacooday Axmed oo uu dhalay odayga dhintay. Mid kamid ah sawirada baraha bulshada qabsaday ayaa waxaa uu muujinayaa askar xambaarsan canuga yar oo saaran baabuurka ciidanka, ilmeynaya, dhiigna dharkiisa ay ku daadsan yihiin. Kumar ayaa shirkiisa jaraa'id ka sheegay in qof kamid ah booliska laga yaabo in uu qaaday sawirka Aayad oo dul saaran meydka awoowgii. ""In marka hawgal la aadyo booliska ay qaataan taleefoon waa khalad, waxaan xaqiijin doonaa in ciidamada booliska ee hawlgalka aadaya aanay qaadanin wax taleefon ah, si aanay khatar ugu soo jiidin nafsadooda. Qof allaale qofkii baahiyay sawiradanna waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci"" ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliye Kumar. Hey'adda Amnesty international oo ka hadashay falkan ayaa sheegtay in shaacinta muuqaalka ilmaha yar ay tahay dembi dagaal oo ka hor imanaya axdi qarameedkii Juvenile ee badbaadada caruurta. Waxay intaa ku dareen in booliska ay ku xadgudbeen qoddobka 74aad ee heshiiskaas caalamiga. Sawirka Aayad oo dul fadhiya meydka awoowgii ayaa dhaqaajiyay quluubta malaayin qof, inkastoo aanan la garaneyni sida saxda ah ee ay wax u dhaceen. Markii baraha bulshada lasoo dhigay sawirkaas waxaa uu dhaliyay dibadbax ballaaran oo dadka Kashmiir ay uga soo horjeedaan dilka odayga iyo argagaxa ka muuqda ilmaha yar. Dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa labaduba sheegta lahaanshaha Kashmiir, waxaana marar badan dowladda Hindiya ay Pakistan ku eedeysay inay taageerto kooxaha kasoo horjeeda ee dagaalka kula jira, inkastoo xukuumadda Islamabad ay beenisay eedeymahaas." https://www.bbc.com/somali/war-53264885 +technology Sawirrada ugu mudnaa Afrika oo toddobaadkan la qaaday Sawirro xul ah oo qayba ka mid ah waddamada qaaraddan Afrika laga soo qaaday halkan kaga bogo: Sawirrada dhammaantood waxay leeyihiin Xuquuqda Sawirka. https://www.bbc.com/somali/war-56787316 +technology Sawirrada toddobadka iyo Afrika: May 2021 Xulka sawirrada ugu sarreeya toddobaadkan ee qaaradda Afrika: All photos subject to copyright. https://www.bbc.com/somali/war-57293696 +technology Shukaansiga Online-ka ma lagu hungoobaa? Dadka ku wada xiriira noocyada App-ka ee loogu tala galay in lagu wada sheekeysto ama xiriir lagu sameysto mararka qaar waxay ka helaan jaceyl aayatiin leh, halka dadka qaarkiina ay ku hungoobaan. Qofka oo xiriir lala sameysto, lala sheekeysto, shukaansi lala wadaago ama qofka oo si lama filaan ah hawada uga baxa sababa aan la garaneyn ayaana ka mid ah waxyaabaha shukaansiga Online-ka lagala kulmo. Inta badan dadka barahaasi isticmaalo waxay niyad jab aad u weyn kala kulmaan marka qofka uu la sheekeysanayo uu u sheegto da’ aan sax ahayn marka xaqiiqda la ogaadaan ay dhibaato kala kulmaan. Sida oo kale labada qof marka ugu horreysay ee ay isbaranayaan waxay iisu diraan sawirro iyada oo mararka qaar ay dhacdo inuu sawir been ah qofba qofka kale uu u diro ama qofki oo weyn inuu sawir qof dhalinyara ah u diro. Andy Hong oo ka mid ah dadka App-ka shukaansiga isticmaalo wuxuu ka bartay haweeney Ingiriiska ku nool oo jecel ciyaaraha iyo ku tamashleynta barafka da’deeduna tahay 28 jir. Andy sawirka gabadha ee ay u soo dirtay wuu jecleystay oo waxay noqotay nooci uu dumar ka calman lahaa, balse xiriirkiisu ma noqon mid mira dhala maadaamaa waxyaabaha ay jeceshahay iyo dabeecaddaba ay isku fahmi waayeen. “Waxaad arkeysaa qof marka aad isbaraneysaan dabeecad aad u wanaagsan ku tusaya marki dambana dabeecad qallafsan oo aad jecleysan la soo baxaya,” ayuu yiri Andy oo ku nool gobolka Boston ee dalka Mareykanka. Dadka aadka u xiiseeya shukaansiga Online-ka waxaa kale oo ay la kulmaan dhowr qof iney hal mar xiriir la billaabaan hadhowna ay ku adkaato qofki uu dadkaasi ka dooran lahaa inuu si fudud uga soo dhex saaro. Arrimahan oo isbiirsaday waxay ku abuurtaa niyad jab aad u weyn. Waxayna ka qoomameynayaan wakhtigi kaga lumay shukaansiga Online-ka ah marka ay barbar dhigaan shukaansiga labada qof fool ka fool ay u kulmayaan. “10 qof ayaad xiriir la yeelaneysaa, 10-ki qof 7 ama 8 ayaad ka doraneysaa, muddo markaad wada socotaanna xiriirkiinna wuxuu ku soo koobmayaa 1 ama 2 qof oo iyaguba aad ogeen waxa xiriirkiinna uu ku dambeynaya” ayuu yiri. Si kastaba ha ahaatee, dadka iskaabulada ah oo aan weli guursan shukansiga online-ka ah iney ka wardooonaan wey ku qasban yihiin maadaamaa marweliba ay kelinimada u dhaanto ayna dhici karto iney helaan qofki ay noolasha la wadaagi lahaayeen. Daraasad 2019-2020-kii la sameeyey waxaa lagu ogaaday shukaansiga Online-ka Iney ka fursad wanaagsan yahay inuu qofku helo qofki uu noolasha lawadaagi laha marka la eego kulanka caadiga ah xiriirka ka sameeysmo. Balse waxaa ka dhalata saameyn taban: Sahan ay dhawaan samaysay UK App-ka shukaansiga ee Badoo ayaa muujisay in in ka badan 75% dadka aan guursanin ay dareemeen niyad jab ka dib xirii ay mahadin iyo kulammo aan habboneyn oo ka dhashay aaladahaasi lagu xiriiro. Daraasad cusub oo dhawaan la sameyeyna waxaa lagu ogaaday 61% dadka App-ka shukaansiga isku bartay uu dhex maray xiriir guur. Halka daraasad kale oo bisha April la sameeyeyna lagu sheegay 4 ka mid ah shanta qof oo shukaansiga Online-ka ka wardoono iney ka kulmaan daal iyo niyad jab. Waxaa sida oo kale daraasadda lagu xusay iney jiraan dad ku guuleystay shukaansiga Online-ka oo qoys noqday ubadna iisu dhalay oo nolol farxad leh ku wada nool. Waxaa kale oo ay daraasaddu sheegtay qofka gabar ka shukaansado Online-ka oo ku guul darreysta dib dambe inuu ugu noqon App-ka shukaansiga uu isticmaalo isaga oo ka cabsanaya inuu markale dhib uu kala kulmo. https://www.bbc.com/somali/articles/c0dvg9g13zmo +technology "Madaxii shirkadda McDonald oo shaqada looga eryay ""Maxaad u shukaansatay qof shaqaalaha ka mid ah?""" "Shirkadda sameysa cuntooyinka fudfudud ee McDonald ayaa shaqada ka eriday madaxii shirkadda, Steve Easterbrook, kadib markii la ogaaday in uu xiriir la leeyahay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda. Shirkadda ayaa sheegtay in sababta shaqada looga eryay steve ay tahay in uu jebiyay heshiiska iyo nidaamka u degsan hey'adda, sidoo kalena uu ku xadgudbay siyaasadaha u degsan McDonald. Ninkan ayaa qirtay in uu la haasaawayay mid ka mid ah shaqaalaha, taas na ay tahay arrin khalad ah. ""Marka la eego qayimka shirkadda, waxaan ku waafaqsanahaya guddiga, wana xilligii aan meesha baneyn laha,"" ayuu yiri. Mr Easterbrook, oo da'diisu ay tahay 52, ayaa horay waxay u kala tageen xaas kale, waxaana markii ugu horeesay uu isla shirkadan uga soo shaqeeyay Magaalada London, sanadkii 1993, xiligaas oo uu u ahaa maamule, kahor inta uusan dalacin. Waxaa uu McDonald ka tegay sanadkii 2011, oo waxaa uu madax ka noqday shirkado kale ee sameya cuntooyinka fudfudud ee Pizza Express iyo Asian food chain Wagamama, kahor inta uusan ku laabanin isla shirkadaas McDonald sanadkii 2013-ka, xiligaas oo uu noqday madaxa shirkadda ee dalka Ingiriiska iyo qaaradda Yurub. Sanadkii 2015 ayaa Steve Easterbrook waxaa loo magacaabay madaxa guud ee shirkadda McDonald. Mr Easterbrook ayaa waxaa aad loogu amaanaa qaabka sidii uu wax uga badelay cuntooyinka ay sameyso shirkadda, oo waxaa la sheegaa in uu aad u nidaamiyay cuntooyinka, dhadhanna u yeelay, taas oo keentay in qiimaha iyo dalabka raashinka shirkadda uu noqdo mid aad loo jecleysto. Intii uu madaxda ka ahaa shirkada McDonald waxay shirkadda balaarisay qaabka dadka dalbada cuntooyinka loogu geeyo guryahooda iyo sida fudud ee lacagta loogu bixiyo taleefoonada gacanta. Guddiga kor joogteynta shirkadda ayaa go'aankan gaaray maalintii jimcaha, kadib markii ay dib u eegis ku sameyeen. Ninkan ayaa sidoo kale dhinac uga istaagay Madaxweynaha shirkadda iyo xubin ka mid ah guddiga kor joogteynta. Shruucda u degsan shirkadda McDonald ayaa dhigaya in qofka maamulaha ah uusan wax xiriir ah la yeelan karin qof ka mid ah shaqalaha uu madaxda u yahay. Shirkadda ayaa maanta oo isniin ah shaacin doonta xaqaa uu yeelan doonaa Easterbrook, arrintaas oo aad looga war sugayo. Shirkadda McDonald ayaa aad loogu dhaliilaa mushaarka ay siiso shaqalaha ka shaqeeya dukamaadeeda, kaas oo dadku ay shegaan in uu aad u yar yahay. Ninkan ayaa waxaa badeli doonaa Chris Kempczinski, oo isla shirkadda madax uga ahaa dalka Mareykanka. War qoraal ah oo uu soo saaray Chris Kempczinski, ayuu ugu mahadceliyay Easterbrook iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay intii uu madaxda a ahaa shirkadda, waxaana uu yiri: "" Easterbrook ayaa aniga I keenay McDonald, aad ayuuna isoo garab qabtay."". Sanadkii la soo dhaafay, madaxa shirkadda tiknoljiyadda dalka Mareykanka ee Intel ayaa shaqada iska casilay, kadib markii uu xiriir la sameeyay mid ka mid ah shaqaalaaha shirkadda, taas oo ka dhan ahayd shuruucda shirkadda. Shirkado badan ayaa qabo shuruuc lamid ah taas, oo waxay u sababeeyaan in qofka uusan u eexanin qofka ay isku dhaw yihiin." https://www.bbc.com/somali/war-50285313 +technology Saynisyahanka Itoobiyaanka ah ee biyaha ka baadigoobaya dayaxa Injineer Berhanu Bulcha oo ah cilmi baare u dhashay Itoobiya isla markaana noqday muwaadin Maraykan ah, ayaa ku hawlan sidii uu u heli lahaa biyaha la tuhunsan yahay inay ku jiraan badka dayaxa. Ujeedkiisu waa in aadanaha ay hooy waara ka samaystaan dayaxa, waana taa sababta ay muhiimka u tahay in laga helo biyo ku filan dadka halkaa loo wado. Hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee Nasa ayaa todobaadkii la soo dhaafay dirtay dayax-gacmeed lagu magacaabo Artemis 1, si uu u billaabo sahanka ku aaddan sidii bani’aadanka uu markale u tegi lahaa dayaxa. Arrinta ah sidii dayaxa lagu gaarsiin lahaa biyo ayaa muhiimad gaar ah leh. Dr Berhanu iyo kooxdiisa ayaa ku hawlan sidii biyo ku filan oo joogta ah looga heli lahaa dayaxa la damacsan yahay inuu hooy cusub u noqdo bani’aadanka. In biyo laga qaado dhulka oo la geeyo dayaxa ayaa lagu tilmaamay qorshe uu kharash badan ku kici doono, isla markaana aan la joogteyn karin. Hawl adag Dr Berhanu and his team are developing a prototype light-weight compact spectrometer that could definitively identify where water reserves are on the moon. Dr Berhanu iyo kooxdiisa ayaa ku hawlan samaynta qalab fudud oo lagu ogaan karo goobaha ay dayaxa uga jiraan biyaha. “Waa hawl adag,” ayuu yiri Dr Berhanu oo BBC-da ugu warramay telefoonka xilli u uku sugnaa xafiis ay leedahay Nasa oo ku yaalla Maraykanka. Khabiirkan ayaa 13-kii sano ee la soo dhaafay ku hawlanaa samaynta qalab Nasa ka caawin kara baahidda ku aaddan socdaalka hawada sare, hawsha uu hadda hayo ayaana ah tii ugu adkeyd ee loo igmado. Waxaa horay loo xaqiijiyay in badka dayaxa uu leeyahay keyd biyo. Balse lama hubo nooca ay yihiin biyahaas iyo inay lamid yihiin kuwa laga isticmaalo dhulka. Qalabka ay hadda ka shaqeynayaan Dr Berhanu iyo kooxdiisa ayaa gacan ka geysan doona in la ogaado nooca biyaha dayaxa iyo  tayadooda, arrintaas oo aan horay loogu guulaysan. Dr Berhanu iyo kooxdiisa ayaa lagu maalgaliyay 2.5 milyan oo dollar si ay u sameeyaan qalabka oo dhamaystirkiisa uu qaadan karo muddo laba sano ah. 38 jirkan ku barbaaray caasimadda Addis Ababa ayaa tagay Maraykanka kadib markii uu ka baxay dugsiga sare, waxaana jaamacadda Virginia Commonwealth uu ka bartay culuunta Fiisikiska iyo injineernimada. “Markii aan tegay Maraykanka, ma haysan cid i caawisa. Waxaa igu adkaaday in aan la qabsado dhaqanka cusub. Kadib waxaan go’aansaday in aan dedaallo oo aan ka guulgaaro waxbarashada,” ayuu yiri Dr Berhanu oo ka warramayay noolashiisii hore ee Maraykanka. Waxa uu sheegay in si guul loo gaaro ay muhiim tahay in qofka uu hami yeesho, kadibna ka shaqeeyo sidii uu uga miro-dhalin lahaa hamigaas. https://www.bbc.com/somali/articles/c3gx18jdlxpo +technology "Garyaqaanka ""bisadda u ekaaday"" ee dunida qabsaday" "Garyaqaan reer Texas ah oo aaladda Filter ee lagu qurxiyo sawirrada iyo muuqaallada ay u ekeysiiyay bisad xilli uu shir uga qeyb qaadanayay aaladda Zoom ayaa sheegay inuu la yaabay sida dunida ay uga falcelisay muuqaalkaasi. Muuqaal laga duubay Rod Ponton oo u eg bisad ayaa qabsaday baraha intarneedka caalamka, waxaana muuqaalkaasi daawatay malaayiin qof. Rod ayaa garmaqal maxkamadeed uga qeyb galay qaab maqal iyo muuqaal ah balse aaladda Filter ayaa muuqaalkiisa u ekeysiiyay bisad. ""Ma aanan ogeyn in Zoom-ku uu iga dhigi karo bisad. Ma aanan ogeyn in Bisadda Zoom ay iga dhigi karto qof caan ka ah intarneedka, balse waxaasi oo dhan waxay ku dhaceen saacado gudahood,"" ayuu yiri Rod oo BBC-da la hadlay. Waxa uu sheegay inuu isku dayayo bal in uu la jaan qaado wixii dhacay. Ponton wuxuu sheegay inuu isticmaalayay kombiyuutarka xoghayihiisa markii shaandhada ay ka soo muuqatay aaladda Filter, taa oo markiiba wajigiisa u ekeysiisay bisad cad oo leh indho waaweyn oo laga cabsado. Intii uu caawinaad ka helayay xoghayihiisa oo isku dayayay inuu arrinta xalliyo, ayaa waxaa la maqlayay isagoo leh: ""waa ikan oo bisad ma ahi."" ""Markii aan soo galay Zoom-ka wax waliba waxay hagaagsanaayeen - sawirkeyga ayaa soo muuqday, waxaan ku sii jiray qabka oo uu igula jiray garsooraha maxkamadda. Haseyeeshee markii garsooruhu u furay dacwadda, ayaan waayay sawirkeygii, wuxuuna isu badalay bisad, arrintaa oo aan aad ula yaabay,"" ayuu yiri Rod. Garsooraha maxkamada, Roy Ferguson, ayaa muuqaalka Rod uu bisad u eg dadka kula wadaagay baraha bulshada. Wuxuu ku taliyay in dadku ay tahay inay hubiyaan in aaladdaasi Filter-ka ay iska damiyaan ka hor inta aysan ku biirin dhageysiga dacwadda. Ponton wuxuu sheegay in garsooraha uu dhacdadaasi uu ka dhigay kaftan, si loogu shactireysto. ""Waxaan u maleynayaa in qofkasta oo horey ugu dhibbooday isticmaalka kombuyuutarrada ama xitaa alladda Zoom uu garowsanayo in waxyaabahan oo kale ay marar badan dhici karaan,"" ayuu yiri. Waxa uu sheegay in markii hore uu ka walaacay dad badan oo la soo xiriiray kaddib markii muuqaalkiisa la dhigay baraha xiriirka bulshada. Marka waxaan markii dambe kum khasbanaaday in aan ku biro dadka ku muuqaalkeyga ku maadeysanayo, oo waxay noqotay in aan anigu isku qoslo." https://www.bbc.com/somali/war-56021072 +technology """Sawirradeyda ayaa loo adeegsadan jiray in niman lacag looga cuno""" "In ka badan toban sano, sawirro la xaday atariisho caan ah ayaa loo adeegsanayay in niman looga qaato kumannaan dollar. Sidee ayaad dareemi lahayd haddii ay kugu dhacdo? Mar walba, Vanessa waxaa usoo dhacayay farriimo uga yimid rag aaminsan inay iyada xiriir la leeyihiin – qaarkood ayaa xitaa u maleyn jiray inay tahay xaaskooda. Way careysnaayeen, qaarkood jahwareer ayay ka qadeen waxayna doonayeen in lacagahooda loo soo celiyo – lacagahaasoo ay sheegeen inay iyada u direen si ay nolol-maalmeed uga dhigato, isaga bixiso isbitaalka, amaba ay qaraabadeeda ku caawiso. Balse waxaas oo dhan waa been. Vanessa ma taqaanno raggan. Taas beddelkeed, sawirradeeda iyo muuqaalladeeda – oo laga soo qaaday nolosheedii hore oo ay jirkeeda ka ganacsan jirtay – ayaa loo adeegsaday in baraha internet-ka looga shukaansado rag bartamihii sanadihii 2000. Dhibbanayaasha ayaa lacag looga cunay bogag online-ka oo been abuur ah iyadoo la isticmaalayo magaca Vanessa. Qulqulka farriimaha oo ay ku jiraan sheekooyinka lacag la xaday iyo nolol la burburiyay ayaa ku batay gabadhan. ""Waxaan bilaabay inaan isku buuqo, oo aan nafteyda eersado- malaha haddii sawirradeydu aysan bannaanka oolli lahayn, raggan lama khiyaameen,"" Vanessa ayaa sidaa tiri – ma isticmaaleyno magaceeda saxda ah si aan u dhowrno aqoonsigeeda oo buuxa. Ilaa muddo siddeed sano ah, Vanessa ayaa ahayd qof jisha muuqaallada galmada iyadoo si toos ah usoo dhigi jirtay baraha internet-ka. Markii ay bilaabeysay way xishoon jirtay waxayna kusoo geli jirtay barahaas magaca Janessa Brazil. ""Dhabtii aniga maaha, waa Janessa, marka ma dareemayo ceeb,"" ayay is tiri. Uma dooran magaca Brazil keliya inay tahay halka ay ku dhalatay, balse sidoo kale waa mid ka mid ah magacyada loogu baaris badan yahay internet-ka. Wuxuu ahaa go’aan laga fiirsan. ""Waan necbahay magacaas,"" ayay haatan leedahay. ""Balse wuxuu iga caawiyay inay si degdeg ah caan ku noqdo."" In muddo ah, arrimuhu way wanaagsanaayeen. Vanessa ayaa ku raaxeysan jirtay xiriirka ay la leedahay taageerayaasheeda, oo daqiiqaddii bixin jiray ilaa $20 (£17) si ay muuqaalladeeda u daawadaan iyadana ula sheekeystaan. ""Waxaan doonayaa inaan raalligeliyo. Waxaan doonayaa inaan la sheekeysto. Kaddibna way igu soo xirmayaan,"" ayay tiri. Markii ay meel sare mareysay xirfaddeeda, waxay sheegtay inay sanadkii heli jirtay lacag dhan hal milyan oo doollar. Janessa waxay lahayd website u gaar ah, oo ay guul ka gaartay aadna loogu taxnaa. Balse sanadkii 2016 faa’iidadii ay ka sameyn jirtay online-ka ayaa hoos u dhacday. Waxay BBC-du ku qaadatay muddo 9 bilood ah inay gabadhan hesho ayna u warranto podcast-ga Love, Janessa. Ugu dambeyn markii ay BBC-du la hadashay Vanessa oo ku nool guri ku yaalla xeebta bari ee Mareykanka, waxay inoo sheegtay in sababta ay xirfaddeeda isaga deysay ay qeyb ka tahay inay ka hortagto dadka magaceeda ku qaraabanaya. ""Ma doonayo inaan siiyo awood ay mar dambe ku adeegsadaan wax aan aniga leeyahay,"" ayay tiri. Vanessa ayaa markii ugu horreysay ogaatay in dad iyada iska dhigaya ay jiraan markii nin uu farriin kusoo qoray barnaamij toos ah oo ay ka qeyb galeysay, isagoo sheeganaya inuu yahay ninkeeda ayna ka ballan qadaday isaga inay joojin doonto muuqaallada ay iska duubto. Waxay moodeysay inay ciyaar ciyaar tahay, balse waxay ka codsatay inuu email u soo qoro. Dhibbanayaal badan oo isla sheekooyinkaas oo kale sheeganaya ayaa soo baxay, iyagoo faallooyin ku qoraya barnaamijyadeeda, kana codsanaya inay is caddeyso. Dadka ku qaraabta magaceeda ayaa sidoo kale u diri jiray codsiyo yaab leh – sida inay xirato koofiyad casaan ah – sawirradaas ayay kadibna ku khiyaami jireen dhibbanayaasha. Faallooyinka joogtada ah, email-ada iyo xaaladdaas adag ayaa saameeyay ganacsigeeda. ""Wuxuu ahaa wax argagax leh,"" ayay tiri Vanessa. ""Balse waan u damqaday raggan. Maxaan sameyn karaa?"" Markii hore waxay isku dayday inay ka jawaabto email walba, taasoo saacado qaadan jirtay maalintii. Waxay sheegtay in seygeedii xilligaas, oo sidoo kale ahaa maamulaheeda, uu sidoo kale bilaabay inuu ka warhayo farriimaha. Wuxuu dhibbanayaasha u sheegay in isaga iyo Vanessa aysan shaqo ku lahayn lacagaha laga dhacay nimankaas. ""Haddii aan heli lahaa lacagaha ay raggan u direen dhammaan dadka igu qaraabanayay, bilyaneer ayaan maanta ahaan lahaa, halkan gurigeyga yar iskama dhex fadhiyeen,"" ayay tiri. Vanessa ayaa aaminsan inay rag badan dabeecad u tahay daryeelka haweenka, taasoo sharraxeysa sababta ay lacag ugu direen qof aysan weli la kulmin. ""Xitaa haddii aysan lacag heysan, weli waxay doonayaan inay bixiyaan, keliya si ay u dareemaan in la jecel yahay,"" ayay tiri. Roberto Marini, waa nin u dhashay Talyaaniga oo ku jira da’da 30-meeyada, oo lacag ay ka cuntay gabar iska dhigeysay Janessa. Waxay ku bilaabatay farriin lagu soo diray Facebook kana timid haweeney da’yar ah oo isku magacowday Hannah, taasoo ammaantay ganacsigiisa – oo ah beer ku taalla Jasiiradda Sardinia. Saddex bilood kadib markii ay is dhaafsadeen sawirro iyo farriimo jaceyl, waxay bilowday inay lacag weydiisato. Markii hore wax yar ayay ahayd, sida telefoon jabay, balse markii dambe way badisay lacagtii ay weydiisaneysay. Waxay u sheegtay inay ku jirto ciriiri – iyo inay ku qasbanaatay inay nolol ka raadsato sameynta muuqaallada galmada. Roberto wuxuu doonayay inuu badbaadiyo, isagoo xaggeeda u dareemayay ""tamarta aabbenimo"". Balse wuxuu la yaabbanaa sababta aysan cod ahaan iskula hadlin – mar walba oo ay ku ballamaan inay is wacaan, telefoonka ayaa ka jabi jiray amaba wax kale ayaa dhici jiray. Kaddib online-ka ku arkay kumannaan sawirro iyo muuqaallada Hannah ah – balse waxay ahaayeen kuwa Janessa Brazil – qaarkoodna wayba ka waadaxsanaayeen kuwii ay Hannah usoo dirtay. Jaceylkoodu wuxuu u muuqday mid dhab ah, wuxuuna la yaabbanaa sababta aysan u dooneyn inay u sheegto qofka dhabta ah ee ay tahay. Roberto oo yaabban ayaa ku biiray mid ka mid ah barnaamijyada tooska ah ee Janessa Brazil. ""Ma adigaa xaqiiqdii?"" ayuu qeybta farriimaha ugu qoray. Ma helin jawaabtii uu doonayay, wuxuu bixinayay daqiiqaddiiba lacag marka kuma uusan sii nagana. Roberto oo doonayay inuu runta ogaado ayaa email u diray. Markii aan wareysaneynay Vanessa ayaa dib u eegtay sanduuqeeda farriimaha waxayna kumannaan email ka dhex heshay farriin uu usoo diray. ""Hi. Waxaan doonayaa inaan la hadlo Janessa Brazil-ta dhabta ah,"" wuxuu farriintan diray 2016. Saacad kadib ayay u jawaabtay, ""Waxaan ahay Janessa Brazil-ta dhabta ah."" Wuxuu weydiiyay su’aalo kale isagoo doonaya inuu ogaado inay hore isula hadleen iyo in kale. Is dhaafsigooda farriimaha wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee ay abid yeeshaan. Balse taasi ma ahayn dhammaadka. Roberto ayaa weli usii nuglaa dadka magaceeda ku qaraabanayay. Wuxuu sheegay inuu u diray lacag wadar ahaan dhan $250,000 (£207,500) muddo afar sano ah, taasoo keentay inay ka idlaato lacagihii keydka u aha aiyo inuu lacag ka deynsado saaxiibbadiisa iyo qoyskiisa, iyo sidoo kale inuu deymo ka qaato bankiyada. Waxaanu aragnay Roberto oo bartiisa onlone-ka dadka uga digaya akoonnada been abuurka ah ee dadka lagu dhacayo iyadoo la adeegsanayo sawirrada Janessa oo la soo xaday. Balse, xitaa kadib wixii ku dhacay, qeyb isaga ka mid ah ayaa weli aaminsan inuu xiriir qoto dheer la leeyahay Janessa-da dhabta ah. Taasi waxay calaamad u tahay howlgal qof magaciisa lagu qaraabto oo guuleystay, ayay Dr Aunshul Rege, oo ah khabiir dhanka dembiyada ah oo ku sugan Philadelphia, Mareykanka, waxayna baartay xiriirrada jaceyl ee been abuurka ah ee online-ka. Vanessa ayaa aaminsan in sawirradeeda oo la adeegsado ay qeyb ka ahayd sababo la xiriira inay dadka la wdaaagi jirtay nolosheeda dhabta ah ee maalinlaha ah. ""Dibadda ayaan is dhigay gebi ahaanba, marka wax badan baa u fududaa,"" ayay tiri. Balse waxay cabbireysaa farqi u dhaxeeya xirafddeeda iyo qofka dhabta ah ee ay tahay. ""Vanessa way naxsan tahay. Janessa ma naxsana,"" ayay tiri. Marba marka ka dambeysa arrinta magaceeda oo lagu qaraabanayo ayaa saameysay Vanessa. Inay maalin walba kaamirada soo hor fadhiisato ayaa saameyn caafimaad ku yeelatay maskaxdeeda iyo guurkeedii. Vanessa ayaa BBC-da u sheegtay inay billowday inay khamri cabto kahor barnaamijyadeeda. Waxay sheegtay inay neceb tahay inay daawato muuqaalladeedii xilligaas. Sanadkii 2016, waxay sheegtay inay adkeysan weysay ayna go’aansatay inay isaga baxdo. Waxay sheegtay inay gaarigeedii soo kaxaysatay, ka tagtay gurigeeda iyo ninkeeda ayna billowday nolol cusub. Haatan waxay tababar u qaadaneysaa inay noqoto qof dadka ka caawiya arrimaha saameeya maskaxdooda, iyo inay qorto buug. Vanessa weligeed ma dacweyn dadka magaceeda ku qaraaban jiray. Ma aaminsana inay ka rumeysan doonaan." https://www.bbc.com/somali/articles/c3gd3k2j4n7o +technology Dayax gacmeedki dunida ugu awoodda badnaa oo tijaabadiisa lagu guuleystay "NASA ayaa si buuxda ugu guuleysatay tijaabada matoorka dayax gacmeed dunida ugu awoodda badan oo la sameeyey, waxaana tijaabada lagu sameeyey xaruunta dayax gacmeedka hawada sare looga diro ee NASA. Matoorka ayaa daarnaa ama shidnaa muddo 8 daqiiqo ah taasoo u dhiganta qayaasta dayax gacmeedka uu ku tagi karo masaafada u dhaxeyso dhulka iyo hawada sare. Tijaabadan ayaa noqoneysa tii labaad oo la sameeyey tani iyo bishi Jannaayo marki la joojiyey tijaaba tan la mid ahayd oo la hakiyey. NASA ayaa qorsheyneysa dusha sare ee dayaxa iney bani aadam u dirto, isku daygaasi oo noqonayaa kii ugu horreeyey oo dhaca tani iyo 1972-kii. Mashruucan dayax gacmeedka dunida ugu weyn hawada sare loogu dirayo wuxuu qayb ka yahay mashruuca NASA ay waddoo uu sanadkii 2017-kii uu billaabay maamulkii Trump. Tijaabada matoorka dayax-gacmeedka ayaa lagu sameeyey matoorrada oo dhulka yaalla. Waxaana dayax gacmeedka ku xiran 4 matoor oo awood badan uu noocooduna yahay RS-25. Matoorradan awoodda badan ee RS-25 oo ay sameysay shirkadda Aerojet Rocketdyne uu fadhigeedu yahay California. Kooxda dayax gacmeedka sameysay ee NASA ka socotay iyo shirkadda Boeing oo sameynta dayax gacmeedka qandaraaska lagu siiyey si ay macluumaadki matoorka ay uga baahnaayeen ay u helaan wuxuu matoorka u daarnaa oo keli ah 4 daqiiqo. Guddoomiyaha guddiga joogtada ee Sayniska, Hawada sare iyo Teknooliyadda aqalka hoose ayaa farriin hambalyo ah oo ku aaddan tijaabada lagu guuleystay u diray hay'adda NASA. Eddie Bernice Johnson oo xisbiga dimuqraadiga ku matasha gobolka Texas waxay sheegtay, ""Howshan dhaxal galka ah ee lagu guuleystay ay muujineyso geesinimada iyo dadaalka loo galay."" Waxayna intaa ku dartay: ""Tijaabada maanta la sameeyey ay dhowr tallaabbo noo sii dhaweyneyso inuu Mareykanka uu ku soo laabto hoggaaminta dunuda ee cilmiga hawada sare oo dayaxa lagu tagay iyo inaan iisu diyaarinno sidi aan meeraha Mars uga dajin laheen Bani aadam (qof nool). Matoorradii 1960-kii loo isticmaalay dayax gacmeedkii Apollo waxay suuragaliyeen in lagu guuleysto in dayaxa laga dago. Injiineerada Khamiisti tijaabada sameeyey waxay sheegeen iney matoorrada ka buuxiyeen tamar quwadda matoorrada soo saarta oo u dhiganta 2.6 malyan oo Litir. Waxyaabaha tamarta dayax gacmeedka loo adeegsadayna waxay sheegeen isugu jiraan maaddada Hydrogen oo dareera ah, gaaska gantaalka xambaara dayax-gacmeedka uu isticmaalo iyo Oxygen dareera ah oo shidaalka ka caawinayo inuu gubto." https://www.bbc.com/somali/war-56452033 +technology Google iyo Apple oo hawada ka saaray Barta ToTok "Ha ku khaldin wuu ka duwan yahay barnaamijka Shiinaha ah ee TikTok la yidhaa, ToTok wuxuu isku suuq geeyaa in uu yahay baraamij si sahal ah loo adeegsan karo oo aan xogtaada lagala bixi karin marka fariimaha qoraalka ah ama kuwa muuqaalka ah la isku waydaarsanayo. Hase yeeshee wargeyska The New York Times ayaa tebiyey war tibaaxaya eedo barnaamijkaa WhatsApp-ka aad moodo in uu yahay wax dawladda Imaaraat-ka Carabtu wax ku basaasto. ToTok waxaa dadka adeegsada ay u sheegtay in dhawaan lagu soo celin doono barnaamijkaa bogagga Google iyo Apple. Qaraal internet-ka ay ku baahisay ayay ku sheegtay in ""muddo gaaban aan laga helayn"" barnaamijyada App-ka lga soo degsado ee Apple App Store iyo Google Play Store, sababtuna tahay ""cillad farsamo"". Wargeyska The New York Times isaga oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah ayuu sheegay in ToTok u sahlo basaasiinta Imaaraad-ka in ay helaan wadahadallada, dhaqdhaqaaqa iyo xogta kale ee shakhsiga ah sida sawirrada oo kale ee dadka. Shirkadda Google waxay barnaamijkaa boggeeda ka saartay Khamiistii hore, Apple-na maalintii ku xigtay. Hase ahaatee dadkii ToTok adeegsan jiray weli barnaamijkaasi, wuu ugu shaqaynayaa telefoonadooda oo wayna adeegsan karayaan. ToTok dhawr bilood uun buu jiray laakiin waxa la degay dad badan oo ku nool Bariga Dhexe, Europe, Aasiya, Afrika iyo Woqooyiga Ameerika, sidaana waxa sheegay wargeyska The New York Times. Google Play Store wuxu muujinayey in shan bilyan oo qof oo isticmaala telefoonnada Android ku shaqeeyaa ay la degeen, halka, haweenay Annie lagu magacaabo oo dadka barnaamijyada noocaas ah darsaa ah sheegtay, in kuwii ugu badnaa ee dadka Maryakanka ku nooli ToTok la degeen todobaadkii hore. Wargeyska The New York Times wuxuu ku warramay in shirkadda barnaamijkaa samaysay ee la yidhaa Breej Holding Ltd, ay xidhiidh la leedahay shirkadda DarkMatter oo ah shirkad fadhigeedu yahay Abu Dhabi oo ka shaqaysa arrimaha basaasidda internet-ka oo sida la sheegay FBI-da Maraykanku baadhitaano falal dambiyeed xagga internet-ka ah ku hayso. Sida uu ku warramay wargeyska The New York Times, DarkMatter waxa uu shaqeeya saraakiil mukhaabaraadka Imiraad-ka ka tirsan, saraakiil hore oo nabad sugidda Maraykana u shaqayn jjiray iyo sarakiil sirdoonka milatariga Israa'iil ka tirsanaan jiray. ToTok, DarkMatter iyo Safaaradda Imaaraad-ka ee London midkooda noogama soo jawaabin codsi ahaa in ay aan su'aalo ka waydiino. ""In kasta oo dadkii Isticmaalayey ToTok ay sidoodii u heli karaan adeegayaga waxaanu hadana jecelnahay in aad dadka ku cusub u sheegno in aanu la xidhiidhi doono Google iyo Apple si arrinta wax looga qabto"" ayaa qoraal ay baahisay ToTok lagu yidhi. Waxay farta ku fiiqday in dadka ku cusub ee isticmaala tilifoonada Samsung, Huawei, Xiaomi iyo Oppo ay kala degi karaan ToTok bogagga shirkadaha tilifoonadooda sameeyey. Shirkaddu waxay ballan qaaday in ay ""mustaqbalka dhaw"" ku soo noqon doonto bogaggaa isadoo soo kordhin doonta qaabab cusub oo ay ka mid yihiin sida lacagta loo bixin karo, wararka, ganacsiga iyo madadaalada. Shirkadaha kale ee bixiya adeegyada fariimaha sida WhatsApp iyo Skype oo fariimahooda aan la furan karin ayaa Imaaraad-ku xadiday adeegyadooda, oo fariimo qoraala oo keli ah uun baa loo adeegsan karaa laakiin maqal iyo muuqaal toona looma adeegsan karo. Qoraalka aqbalaadda adeegsiga ToTok waxa ku jira ""in ay dadka xogtooda shakhsiga ah shiraddu u gudbin karto booliska, saraakiisha iyo wakaaladaha la socodka internet-ka ama cidii kale ee sifo sharci ah kaga codsata"". Waxa sidoo kale uu dhigayaa: ""waxaa suurto gal ah in aan xogtaada shakhsiga ah shirkado door ah u gudbino"". Lakiin si cad qoraalku uma magac dhabayo dawladda Imaaraad-ka Carabta. Shirkadda Objective-See ee ka shaqaysa ilaalinta macluumaadka kombuyuutarrada ayaa sheegtay in ay kala shaqaysay wargeyska The New York Times baadhitaankaa uu sameeyey. Qoraal shirkaddu baahisay ayey ku faahfaahisay in ay daristay barnaamijka ToTok ee ku jiray iOS oo ay u adeegsatay tilifoon iPhone ah oo ""aan la xadidi karin"" taas oo macnaheedu yahay in telefoonkaasi barnaamijka uu ku shaqeeyo loo sahlay in aanay xayiri karin barnaamijyada shirkadaha sameeya telefoonadu. Waxay khubaradoodii jabsadeen barnaamijka ToTok iyo habka barnaamijku ""fariimuhu u dhexmaraan"". Khubradu waxay sheegeen in sharciyadda barnaamijku ay ""run ahaantii tahay mid si xariifnimo ah loogu dhisay inuu dadka basaaso"". Waxay sidoo kale farta ku fiiqeen in aanay ka helin BACKDOORS, MALWERE iyo barnaamijyo kale oo wax lagu basaas karo.Google iyo Apple ayaa bogaggooda ka saaray barnaamij fariimahala iskugu diro oo Imaaraat-ka laga leeyahay oo la yidhaa To Tok, iyada oo ay soo baxday hadal hayn ah in loo adeegsado in dawladdu wax ku basaasto." https://www.bbc.com/somali/war-50911159 +technology Hantiile sabool ah: Siduu ninkan labo goor taajir iyo faqiir ku noqday? "Haddii aad tagto dukaan lagu gado bur-saliidka oo ku yaalla gobolka California ee dalka Mareykanka, waxaa laguu sheegayaa inay leeyihiin qoys reer Cambodia ah. Sababta sidaas loo dhahayo waa in uu ganacsiga noocaas ah dhisay nin qaxootinnimo uga yimid dalkaas, hanti aad u badanna uu ka sameeyay ilaa lagu naaneyso boqorka bur-saliidka, kaddibna hantidii oo dhan hal mar ayuu waayay. Ted Ngoy wuxuu ahaa arday dhigta dugsiga sare ee Phnom Penh markii ugu horreysay ee uu arkay Suganthini Khoeun, oo ahayd gabar uu dhalay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda. ""Aad bay u qurux badneyd,"" ayuu yidhi isagoo dib u xasuusanaya. ""Lagama yaabo inaad garabkeeda ku aragto haweeney iyada ka qurux badan."" Dhammaan wiilashii dhiganayay iskuulkiisa gabadhaas ayey wada jeclaayeen, isaguna maadaama uu ahaa wiil faqiir ah oo walidiintiisa mid ka mid ah uu u dhashay Shiinaha, gurigooduna ahaa tuulo ku dhow xadka Thailand, wax fursad ah uma uusan heysanin inuu gabadhaas u dhawaado. ""Awood sare ayey lahayd, sida gabdhaha qoysaska boqortooyada,"" ayuu yidhi Ted. Aad ayaana loo ilaalin jiray. Laakiin Ted wuxuu markii dambe ogaaday in qol yar oo uu ka dagganaa dhisme afar dabaq ah ay daaqaddiisa ku wajahneyd guriga ay daganaayeen reerka Suganthini. Halkaas ayuuna ka arkay fursad uga bannaan. Maqrib kasta, wuxuu soo fariisan jiray daaqaddiisa oo furan wuxuuna ka dhawaajin jiray fiyooliin muusig macaan leh. Suganthini hooyadeed markii ay muusigaas maqashay waxay dareemi jirtay in qofka garaacaya uu yahay ruux gabadheeda jecel. Habeen ka mid ah habeennada ayuu arkay Suganthini oo joogta barandada bannaanka ee daaqaddiisa ku bannaan, wuxuuna go'aansaday in uu tallaabo qaado. Wuxuu u qoray warqad yar oo uu ugu sheegayo inuu daggan yahay dhismaha kasoo hor jeeda uuna yahay qofka fiyooliinta garaaca maalin kasta. Warqaddii ayuu dhagax ku duubay, wuuna u tuuray. Wax jawaab ah ma uusan helin dhowr maalmood. Laakiin markii dambe, mid ka mid ah shaqaalaha Suganthini ayaa gurigiisa u keenay jawaab. Qoraalka ay usoo dirtay waxaa ku qornaa; ""Waan kaaga mahad celinayaa garaacista fiyooliinta, aad bay cajiib u tahay, qalbiga ayeyna taabaneysaa."" ""Intaas kaddib waxaan isweydaarsan jirnay farriimaha aan isu marsiinno warqadaha, sidaas ayaana ku xiriiri jirnay,"" ayuu yidhi Ted. Maalin maalmaha ka mid ah Ted wuxuu warqaddii ugu qoray: ""Maxaa dhacaya haddii aan kusoo boodo qolkaaga?"" Suganthini waxay kusoo jawaabtay: ""Aad u taxadar, haddii aad qolkeyga kusoo dhici weysid waxaad ku dhaceysaa qolka hooyadeey."" Waxay u maleyneysay in Ted uu kaftamayay laakiin isaga dhab ayey ka ahayd. Iyadoo ay jireen waardiyeyaal badan oo uu guriga gabadha lahaa iyo eeyo aad u tababarnaa, habeen uu roob da'ayay ayuu Ted soo fuulay geed ku dhawaa darbiga dhismaha, siduu u sii socdayna wuxuu galay qolkii jiifka ee Suganthini, xilligaas oo ay hurdeysay. Wuu kiciyay waxayna ku dhawaatay inay qeyliso, laakiin nasiib wanaag waxay garatay inuu yahay wiilka ay isku fasalka yihiin. ""Maxaad ka sameyneysaa halkan?"" ayey weydiisay. ""Waxaan halkan u joogaa inaan jacayl kuu qaaday,"" ayuu ku jawaabay Ted. ""Laakiin maxaan sameyn doonnaa markii uu waaga baryo? Aniga waa inaan iskuulka aado."" ""Ha walwalin, waxaa isku qarin doonaa sariirtaada hoosteeda,"" ayuu yidhi Ted. Sidaas ayuuna sameeyay. Suganthini habeenkii ayey raashin ayey si qarsoodi ah ugu keeni jirtay, maalmo badan kaddibna waxay u sheegtay inay iyada xitaa jeclaatay. Waxay wacad ku mareen inay waligood daacad isku ahaan doonaan. Wuxuu sheegay in uu qolkeeda ku dhuumanayay muddo 45 maalmood ah, ilaa markii dambe la arkay. Suganthini qoyskeeda waxay Ted ku khasbeen inuu soo afjaro xiriirka, isagoo gabadha u sheegaya in jacaylka uusan daacad ka ahayn. Sidii lagu amray ayuu sameeyay, laakiin markii dambe mindi ayuu soo qabsaday wuuna isku muday, isagoo sheegaya inuu iyada la'aanteed ka xigo dhimasho. Intii uu isbitaalka ku jiray, Suganthini qudheeda waxay isku dayday in ay isdisho. Markii ay qoyskeeda arkeen sida uu go'aankooda u adag yahay way isu oggolaadeen. ""Waa sheeko waalan laakiin waa run,"" ayuu yidhi Ted, oo hadda 78 jir ah. ""Jacayl dhab ah ayaan u qabay iyada."" Laakiin wuxuu qirtay in uu ka warhayay in jacaylka uu xoogga ku saaray helitaanka Suganthini uu ka hor istaagay horumarinta noloshiisa. Way isguursadeen, waxayna billaabeen nolol, xaaladdooduna way fiicneyd ilaa uu dagaalkii sokeeye qarxay sanadkii 1970-kii, oo u dhaxeeyay dowladda iyo xoogaggii shuuciga ee uu hoggaaminayay Pol Pot. Ted, oo afar luuqadood ku hadli jiray waxaa sarkaal dhinaca isgaarsiinta ah ka dhigay seeddigiis, Janaraal Sak Sutsakhan. Durbadiiba darajadiisa waxaa la gaarsiiyay janaraal. Ted iyo qoyskiisa da'da yar waxay u guureen caasimadda Bangkok, bil kastana wuxuu Cambodia ugu laaban jiray inuu mushaar usoo qaado ciidamadiisa. Laakiin xaaladdu way sii xumaatay, waxaana safarkiisii ugu dambeeyay ee April, 1976-kii la qabsaday caasimaddii waddankiisa Cambodia. Ted way u suuragashay inuu kusoo baxsado duullimaadkii ugu dambeeyay ee kasoo baxay magaalada Phnom Penh, laakiin waxaa laga soo tagay Suganthini waalidiinteeda. Markii dambe waxaa loo soo sheegay inay ku jireen dadkii ugu horreeyay ee ay dileen qolyihii shuuciyiinta ee la magac baxay Khmer Rouge. Bishii xigtayba, madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka, Gerald Ford, ayaa ku adkeystay inuu soo dhaweynayo qaxooti gaadhaya 130,000 oo ka soo qaxay Vietnam iyo Cambodia, wuxuuna dadkii canbaareynayay tallaabadaas ku dhidhi: ""Waxaan nahay waddan ay dhiseen qaxooti ka kala yimid caalamka oo dhan, mar walbana waxaan ahayn qaran bani'aadannimada dhowra."" Ted iyo Suganthini way iibiyeen wax kasta oo ay heysteen, waxayna soo raaceen duullimaadyadii ugu horreeyay ee gaadhay California, iyagoo ay la socdeen saddexdooda carruurta ah - oo kala ahaa wiil ay habaryar u ahayd iyo labo gabdhood oo wiilkaas la dhahay - kuwaasoo ay soo korsadeen. Markii lagu xareeyay xerada ciidamada badda, shuruudda ku xiran inay waddanka si xor ah u galaan waxay ahayd inuu qof Mareykan ah damaanad qaado, oo shaqo iyo hoy siiyo. Afar isbuuc ayey eegayeen qoysas lacaawinayo oo ka baxaya xerada, ilaa ugu dambeyn iyagana uu damiinto baadari daggan meel qiyaastii 35 meyl u jirta magaalada Los Angeles. Jed Kaniisadda ayuu ka shaqeyn jiray laakiin wuxuu ogaaday in mushaarka uu ka qaato oo ahaa $500 uusan qoyskiisa ku filneyn. Waxaa loo fasaxay in uu raadsado labo shaqo oo kale. Suuq geeye ayuu ahaa waqtiga u dhaxeeya 6pm ilaa 10pm halka uu kaalin shidaalna ka shaqeyn jiray 10pm ilaa 6am. Kaalinta shidaalka waxaa ku dhagganaa dukaan lagu iibiyo bur-saliidka, aad buuna u jecleystay dhadhankiisa. Wuxuu habeenkii oo dhan arki jiray dad bun iyo bur-saliidkaas iibsanaya, wuxuuna ogaaday inuu yahay ganacsi fiican. Haweeneydii ganacsigaas heysatay ayuu weydiiyay in $3,000 oo doolar uu ku iibsan karo dukaan kaas la mid ah, laakiin way u deyrisay, iyadoo u sheegtay in uusan lacagtiisa iska khasaarinin. Ugu dambeyn wuu furtay dukaankii waxaana maqalka u joogtay xaaskiisa, inkastoo ay ku adkeyd luuqadda ingiriiska. Qoyskan waxay maalin kasta shaqeyn jireen 12 ilaa 17 saacadood. Sanad gudihiis, Ted wuxuu keydsaday lacag uu ku furo dukaan kale oo bursaliidka lagu iibiyo. Dukaanka labaadna Suganthini ayaa waji dhoollacaddeyn ah kusoo dhaweneysay macaamiisha cusub. Markii ay heshay sharciga Mareykanka, waxay magaceeda ka dhigatay Christy. Markii ay sanad kale labada dukaan ka shaqeynayeen, waxay aruuriyeen lacag dhan $40,000 oo doolar. Ted wuxuu go'aansaday in ganacsigaas uun uu sii ballaariyo, dukaamo kalena uu raadiyo. Waddankooda Cambodia, xaaladdiisu way sii xumaaneysay. Dadka rayidka waxaa lagu khasbi jiray inay ka shaqeeyaan beero hanti wadaag ah. Kuwa diidana waa la jir dili jiray ama waaba la khaarajin jiray. Muddo afar sano gudaheed ah, 2 milyan oo reer Cambodia ah ayaa la dilay ama u dhintay gaajo, cudurro iyo shaqo xad dhaaf ah awgood. Sanadkii 1978-kii, ciidamadii Vietnam ayaa galay Cambodia, 1979-kiina waxay afgambiyeen Pol Pot, arrintaasoo horseedday qulqul kale oo qaxootiga reer Cambodia ah. Ted waalidiintiisa waxay u qaxeen xuduudda Thailand, kaddibna waxaa soo wacday safaaradda Mareykanka ee halkaas, oo weydiisay in uu soo dhoofin karo. Wuxuu qoyskiisa oo dhan keenay Mareykanka, gabdhihii walaalihiis ahana kulligood wuxuu u wada sameeyay dukaamo lagu gado bur-saliid. Xubno kale oo qaraabadiisa ah ayaa sidaas ku yimid, xitaa dadkii xaafadda la dagganaa qaarkood ayaa loosoo dhoofiyay iyagoo ka been sheegaya inay walaalihiis yihiin. ""Waxay ila tahay in beenta ay u sheegeen safaaradda ay ku saxnaayeen, sababtoo ah qof walba wuxuu rabaa fursad uu kusii noolaado,"" ayuu yidhi Ted. Ted iyo xaaskiisa Christy waxay mareykanka u dhoofiyeen ilaa 100 qoys, iyagoo markii hore gurigooda ku martigalin jiray inta ay guryo uga helayaan. Dadka kalena wuxuu ku dhiirrigalin jiray in ay sidaasoo kale sameeyaan. Markii la gaaray 1985, oo ay 10 sano joogeen Mareykanka, Ted iyo Christy waxay noqneed taajiriin milyaneerro ah, waxayna lahaayeen qiyaastii 60 dukaan oo bur-saliidka lagu iibiyo. Ted waxaa naaneys looga dhigay Boqorka Bur-saliidka - ama Adeer Ted, maadaama uu dad badan oo reer Cambodia ah geeyay Mareykanka. Lamaanahan waxay lahaayeen gawaari badan iyo gyri hal milyan oo doolar ah oo ay ku yaalleen barkad lagu dabaasho iyo wiishka la fuulo. Dibadda ayey dalxiis ku tagi jireen mar walba. ""Waxaan rumeeyay riyadeydii Mareykanka,"" ayuu yidhi Ted. ""Waan faraxsaneyn - ilaa nolosheennii oo dhan ay u burburto khamaar dartiis. Khamaarkii aan ciyaaray wuxuu ahaa murug, wuxuu ahaa arrinta ugu murugada badan nolosheyda,"" ayuu yidhi Ted. Ted waxaa noloshiisa burburiyay Las Vegas. Isagoo aan waligiis khamaar ciyaarin ayuu si tartiib tartiib ah ku billaabay. Markii dambe wuxuu ku dhixi jiray Las Vegas, isagoo mararka qaar khasaari jiray $5,000, ama $7,000 halkii ciyaarba. Wuxuu iska hilmaamay qoyskiisii iyo boqortooyadiisii bur-saliidka. ""Ma heynin waqti aan ganacsi uga fikiro, sidaas darteed ganacsiga hoos ayuu u sii dhacayay, ilaa markii dambe ay musiibo dhacdo, "" ayuu yidhi. Christy waxay u bixi jirtay inay meelaha khamaarka lagu ciyaaro kasoo raadiso, isaguna wuxuu sheegay in uu ka dhuuman jiray. Markii uu guuleysto guriga wuu imaan jiray laakiin markii laga guuleysto wuu maqnaan jiray. Christy mar walba way iska cafin jirtay. ""Waxaan noqday nin aad iyo aad u xun oo meel walba lacag ka deynsada,"" ayuu yidhi. Ugu dambeyn isaga iyo Christy waxaa usoo haray hal dukaan, kaasoo ay go'aansadeen in ay iska sii iibiyaan. Wiilkooda ayaa ku qaaday gaari si ay lacagta dukaanka looga iibsaday usoo qaataan, laakiin xaaladdaas si xun ayey ku dhammaatay. Iyagoo gaariga qeybtiisa dambe ay u saaran tahay $85,000 oo doolar ayey booliska waddada ku qabteen, waxaana la ogaaday in gaariga lacagtii lagu soo gaday aysan iska bixinin. Waa la xidhay saddexdoodiiba. Maadaama lacag lagu sheeganayay way ka cabsadeen in ay sheegaan lacagta ugu jirta gaariga, markii dambe ee lasoo daayayna lacagtii way waayeen. ""Waa sheeko aad iyo aad u murugo badan,"" ayuu yidhi Ted. Sanadkii 1993-kii, Ted iyo Christy waxay dib ugu laabteen waddankooda, markaas oo isagu uu doonayay inuu ka qeyb galo doorashadii ugu horreysay ee si dimuqraaddi ah uga dhaceysay Cambodia, wuxuuna u xusul duubayay in xil siyaasadeed loo doorto si uu uga qeyb qaato dib u dhiska dalkiisa. Wuxuu wacad ku maray in uusan mar dambe khamaar ciyaari doonin. Intii uu Mareykanka nolosha fiican ku heystay wuxuu la kulmay madaxweynihii hore Richard Nixon, iyo madaxweyneyaasha kale ee kala ah Reagan iyo George HW Bush. Xisbi siyaasadeedkiisa wuxuu ku magacaabay ""Xisbiga Jamhuuriga ah ee horumarka iyo xornimada"". Laakiin magaca xisbigiisa waxay dad badan u qaateen in uu yahay mid looga soo horjeedo qoyska boqortooyada Cambodia. Intii uu Ted Cambodia joogay Christy waxay Mareykanka ugu laabatay dhalashada cunug ay ayeeyo u tahay. Laakiin muddadii ay maqneyd wuxuu xiriir la sameystay haweeney kale, cadho ay arrintaas ka qadaday awgeed ayeyna u dalbatay furiin. Markii la gaaray sanadkii 2002-dii Ted wuxuu mar labaad noqday faqiir. Lacagtii uu heystay oo dhan wuxuu ku bixiyay ololaha doorashada, wuxuuna ku guul darreystay. Markii uu guul darro kala kulmay siyaasi awood badnaa, wuxuu u baqay naftiisa mar kale ayuuna u cararay Mareykanka. Wuxuu magaalada Los Angeles tagay isagoo hanti dhan ka heysta lacag ka yar $100 doolar. Qoyskiisa way u careysnaayeen, ma aysan nooneynin in ay wajigiisa arkaan, ama shaqo siiyaas, xitaa ha ahaato dubista bur-saliidka. ""Marar badan ayaan isku dayay inaan isdilo, nafteyda oo dhan ayaan nacay. Waxaan necbeystay ciyaarta Khamaarka iyo sidii foosha xumeyd ee aan ula dhaqmay Christy,"" ayuu yidhi. Dhowr kaniisadood ayuu isu maray ilaa ugu dambeyn ay soo dhaweyso haweeney waayeel ah oo siisay meel uu seexdo. ""Haddii aan qabeys u baahdo waa inaan albaabka garaaco, oo aan dhaho, 'Marwo ma qubeysan karaa?' Kaddibna gudaha ayey i galin jirtay si aan u qabeysto. Markii cashada la gaarana albaabka ayey iisoo garaaci jirtay si aan u casheeyo."" Maalmaha Axadda ah wuxuu aadi jiray kaniisadda oo uu haweeneyda wiilkeeda baadari ka ahaa. Ted wuxuu noqday qof aad ugu wanaagsan diinta Masiixiga. Afar sano kaddib wuxuu dib ugu laabtay Cambodia, isagoo aan hoy xitaa ka heysanin waddankiisa hooyo. Wuxuu dagay magaalo xeebeedka Kep, oo ku taalla gacanka Thailand. Noloshiisa aad bay u adkeyd ilaa markii dambe ay shirkad laga leeyahay Shiinaha ka codsatay inuu ka caawiyo ganacsiga dhismaha guryaha iyo kala iibintooda. Heshiis fiican ayuu la galay lacag badan oo saami ah ayaana loo oggolaaday. Dhulal badan ayuu dillaal ka noqday, ilaa uu mar kale ka noqday milyaneer. Dib ayuu u guursaday, wuxuuna dhalay afar carruur ah oo hadda labada yar yar ay wali iskuulka dhiganayaan. Ted taariikhdiisa waxba kama uusan sheegi jirin ilaa ay dhowr sano ka hor u timid Alice Gu oo filimada ku sameysa Los Angeles. Haweeneydaas oo qudheeda ay dhaleen waalidiin qaxooti ah waxay su'aalo badan iska weydiin jirtay sababta ay dukaamada bur-saliidka ee California badankood u leeyihiin qoysaska reer Cambodia. Alice si fudud ugama aysan dhaadhicinin Ted inuu California ku laabto oo filim laga duubo. Laakiin khibradda uu filimkaas ka helay wax badan ayey ka daaweysay dhaawacyadii uu dareemayay. Tan ugu muhiimsan waxay ahayd in safarkii uu ku tagay California uu u sahlay inuu dib usoo celiyo xiriirkii Christy, oo lafteeda dib u guursatay, carruurtooda weynaatayna na daggan. ""Si buuxda ayey ii cafiyeen. Kun jeer ayaan u sheegay in aan aad uga xumahay waxa dhacay. Mar kasta oo aan arko waxaan dhahayay, 'Iga raali noqo wiilkeyga, iga raalli noqo gabadheyda, iga raalli noqo Christy."" ""Haddii saacadda dib loo celin karo, aniga ayaa waqtiga soo celin lahaa. Wixii lasoo dhaafay ma baddali karo, laakiin wax badan ayaan ka bartay."" Hadda wuxuu qoyskiisa la xiriiraa maalin kasta. ""Qof walba hadda wuu ku faraxsan yahay in uu i arko, sababtoo an waan isbadalay, ninkii xumaa ee aan ahaan jirayna waxaan u baddalay nin fiican."" Ted wuxuu mar walba ka shallaayaa khamaarkii noloshiisa macaaneyd burburiyay. ""Waxay ahayd khatarta ugu weyn ee la qaato."" ayuu yidhi." https://www.bbc.com/somali/war-55275165 +technology Astaan ay dhif tahay in la arko oo kasoo muuqatay cirka "Qaanso roobaan midabkeedu caddaan kaliya yahay oo ay dhif tahay in la arko ayaa lagu sawiray meel badda dhinaceeda ah oo ku taalla deegaanka Gwynedd, oo hoos taga ismaamul goboleedka Wales. Astaantan oo ku timid cimilada hawada ayey subaxnimadii Kahmiista arkeen dadka ku nool magaalada Tywyn, oo dhinaca ku heysa xeebta. Qaanso roobaadkan oo sidoo kale loo yaqaanno qaanso roobaadka reer aakhiraadka ah, ayaa ka sameysanta marka ay is qabtaan iftiinka qorraxda iyo dhibcaha yar yar ee biyaha roobka ku jira daruuraha. Waxay ka duwan tahay qaanso roobaadka la wada yaqaanno ee midabbada kala duwan leh, taasoo ka dhalata marka ay isu soo aadaan iftiinka qorraxda iyo dhibcaha roobka da'aya. Qaanso roobaadda cad waxay siyaabo badan ula mid tahay qaanso roobaadda caadiga ah ee mar walba la arko, laakiin waxaa u dhaxeeya farqi aad u weyn. Nidaam la yiraahdo (refraction = islafalgal), ayey fallaaraha iftiinka qorraxda ayaa marka uu ku dhaco dhibcaha waaweyn ee roobka wuxuu sameeyaa midabbo kala duwan oo inta badan aad loo arko, waxaana loo yaqaannaa Qaanso Roobaad. Hase yeeshee Qaanso Roobaadda midabkeedu caddaanka kaliya yahay waxay ka dhalataa falgalka dhibcaha biyaha khafiifka ah ee kasii fafiina dhibcaha waaweyn ee roobka iyo fallaaraha intiinka qorraxda. Sawir aad u qurux badan oo muujinaya ""Qaanso Roobaadda cad"" ayuu Rannoch Moor ku qaaday galbeedka Scotland, bishii Nofember ee sanadkii 2016-kii. Calaamadda noocan ah ee cirka kasoo muuqata ayey seynisyahannadu sheegaan inay tahay mid aan si sahlan ku sameysmin, sidaas darteedna aan badanaa la arki karin." https://www.bbc.com/somali/war-51226478 +technology Sharciga baraha bulshada: Waxa aad baraha bulshada soo dhigeyso ma laga yaaba in xabsi ay kuu horseedaan? "Dadka qaar waxay baraha bulshada soo dhigaan sawirro qurxoon iyo meelaha ay booqdaab, kuwana arrimo ayey ka cabanayaan, kuwa kalena waxay ka hadlaan xaalado xasaasi ah. Inta badan marka aan ra'yi ka dhiibanayno Twitter-ka iyo Instagram-ka, aad ugama fiirsano. Balse, ka waran haddii ay boolis albaabkaaga u soo garaacaan sababo la xiriira qoraal aad soo dhigtay baraha bulshada? Marka ay timaaddo sharciga baraha bulshada, waxaa jiro xeerar xadiyada xadgudubyada iyo meel-ka dhaca. Waxaa laga yabaa in aad aragtay sheekada la xiriirta Dr Chiristian Jasen, oo ahayd in xilli aan sii fogeyn lagu ganaaxay lacag gaareysa $125,000 oo doolar ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu dhibaato iyo meel ka dhac u geystay hoggaamiyaha xisbiga siyaasadeed ee DUP ee Arlene Foster ee Northern Ireland. Digtoorka waxaa uu barta Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku yiri in haweeneydan ay sameeysay gogol dhaaf ama xiriir iyadoo la qabo, mana ahayn wax run ah. Warkaas been abuurka ah ayaa ku baahay baraha bulshada, dadka badankoodana si fiican uma aysan eegin isha warka uu ka soo baxay. Waa arrin iska dabiici ah, sababtoo ah badankeena ma hubino in warka uu been abuur yahay iyo inkale. Sidaa darteed haddii aad soo dhigto baraha bulshada arrin been abuur ah oo la xiriirta dadka caanka ah ama siyaasi, waxay kuu horseedi kartaa dhibaato iyo in laguu ganaaxo meel-ka dhac shakhsiyadeed. ""Qofka aad meel ka dhaca ku sameeysay ma jirto wax ka hor istaagi kara inuu dacwad kugu soo oogo,"" ayay tiri Eva Baracha oo ka socota shirkadda Cohen Davis Solicitors oo qareenno ah. ""Inkastoo inta badan aysan dhicin haddan qoraalka Twitter-ka ee Dr Christian aad ayuu u khatar badan yahay"", ayay tiri Eva. Sidaa darteed misaanka eedda loo haysto dictoorka aad ayuu u culus yahay, aad ayaanna loola yaabay, wuxuuna qoraalkaasi dhaawac u geeysatay sumacaddeeda. ""Haddii aad horay baraha bulshada u soo dhigtay qoraal ama hadal meel ka dhac ku ah dadka caanka ah, oo aadan arkin askar albaakaaga taagan oo dhahaysaa waxaa sameeysay xad-gudub fadalan hadda wixi ka dambeeyay iska ilaali waxa aad baraha bulshada ku baahinayso"" ayay tiri Eva ""Haddii aad aragto wax ku soo jiidanaya oo la xiriira nacayb, iska ilaali oo waxaad ka mid noqon kartaa dhibaatada ay horseedaan waxyaabahaas aad baraha bulshada ku aragtay kana falcelisay."" Eva maalinkasta waxaa soo waca dad doonaya inay tallaabo sharci ah ka qaadaan dad meel ka dhac dhanka baraha bulshada ah ka sameeyay. Arrimaha sida aflagaadda iyo dhibaataynta, sharciga way ku cadyihiin. Toddobaadkii la soo dhaafay siddeed nin ayaa loo xiray arrimo la xiriira midabtakoor iyo aflagaaddo ka dib markii ay barta Twitter ku aflagaadeeyeen cayaartooy u dheela kooxda Tottenham. Waxaa sidoo kale jiray kiisas kale oo la mid ah kuwaas. ""Dadka waxay u maleeyaan haddii ay qof ku aflagaadeeyaan cinwaano qarsoodi ah in aan la soo qaban karin,"" ayay tiri Eva. ""Waa lagu soo ogaan karaa, oo waxaan shaaca ka qaadnaa cinwaano badan oo si qarsoodi ah wax loo soo dhigo.""" https://www.bbc.com/somali/war-57332648 +technology Wax ka ogow 10-ka magaalo ee ugu waxbarashada fiican adduunka "London ayaa mar kale hoggaanka u heysa meelaha ugu fiican ee ardayda caalamka ay waxbarasho u doonan karaan, sida laga soo xigtay qiimeyntii ugu dambeysay ee shirkadda la talinta ee Britain ee QS ay ka sameysay Magaalooyinka Ardayda ee ugu Wanaagsan 2023. Buenos Aires ayaa noqotay magaalada ugu horreysa ee Latin America waxayna qiimeynta uga jirtaa 23. Waxaa intaa dheer, sanadkan waxaa ku jira saddex magaalo oo Latin America ku yaalla oo markii ugu horreysay liiska soo galay. Waxaa xusid mudan in magaalo walba ay ku nool yihiin in ka badan 250,000 oo qof waxaana ku yaalla ugu yaraan labo jaamacad oo hore ugu jiray qiimeynta jaamacadaha oo ay isla shirkadda sameysay. Waxyaabaha kale ee qiimeynta lagu daray waxaa ka mid ah inta arday ee magaaladaas ku nool, inta qof ee caalamka kale ka timid, iyo sida ay magaaladu u qaabisho dadyowga kala duwan. Sidoo kale haddii ay magaaladu ammaan tahay, maciishaddu haddii ay fiican tahay oo ay ku filan tahay ardayda, iyo sidoo kale fursadaha shaqo ee laga helayo. Caasimadda UK ayaa ugu sarreysa liiska iyadoo loo xushay inay tahay ""mid ay dadyow kala duwna ku nool yihiin ayna ardayda siineyso wax walba sida madxafyo waaweyn iyo cunnooyin kala duwan. Waxaa ku yaalla xarumaha waxbarasho ee ugu waaweyn uguna sarreeya caalamka sida King's College London iyo UCL (University College London). Haddaba waa kuwee magaalooyinka kale ee liiska ku jira? 1.     London, United Kingdom) 2.     Munich, Jarmalka 3.     Seoul, Kuuriyada Koofureed 4.     Zürich (Switzerland) 5.     Melbourne (Australia) 6.     Berlin Jarmalka 7.     Tokyo Japan) 8.     Paris Faransiiska 9.     Sydney (Australia) 10.  Edinburgh (UK) Qiimeynta waxaa ku jira 10 magaalo oo Latin America ku yaalla, inkastoo aysan kaalmo fiican soo gelin. Buenos Aires ayaa liiska magaalooyinkaas Latin America ugu horreysa sanadkii afaraad oo isku xiga, inkastoo ay lumisay dhibco ayna soo gashay kalainta 23-aad, iyadoo hal dhibic ka hoos martay. Waxaa qiimeynta lagu sheegay ij caasimadda Arjantiin ay tahay magaalo casri ah oo soo koreysa ayna tahay magaalada ugu fiican ee ay waxbarasho ka heli karaan ardayda ku hadasha afka Spanish-ka. La yaab malaha in Buenos Aires ay hoy u tahay 10 jaamacad oo ka mid ah kuwa ugu fiican caalamka, sida laga soo xigtay qiimeyn ay isla shirkadda sameysay. Waxaa kale oo xusid mudan in dadka ka qalin jebiyay jaamacadahan ay sumcad fiican ku dhex leeyihiin shirkadaha wax shaqaaleysiiya. Inkastoo ay tilmaameen in weli ay jiraan meelo u baahan horumarin, oo ay ka mid tahay ku noolaanshaha magaalada. Kaalinta 60-aad waxaa soo gashay magaalo kale oo Latin America ku taalla, waana Santiago oo caasimadda Chile ah. Qiimeynta waxaa lagu sheegay inay magaalada ku nool yihiin arday yar oo caalamka ka timid. Magaalada Mexico ayaa iyadana kaalinta 68-aad soo gashay. Inkastoo magaalada ay caan ku tahay cunnooyinka waddooyinka lagu iibiyo, goobaha taariikhiga ah iyo caweyska habeenkii, haddana waxaa ku badan wasakhowga hawada iyo dembiyada. Magaalooyinka kale waxaa ka mid ah Sao Paolo (Brazil ) oo kaalinta 86-aad gashay." https://www.bbc.com/somali/articles/c03p0lg81zzo +technology Maxaad ka taaqaanna teknooloojiyadda Bionic ee dadka aragga la' aragtida ka caawinaya "Beri hore waxa jiray ido Australiya ku noolaa oo leh indho fiiqan uu araggoodu sarreeyo oo aan caadi ahayn. Haddaba neef ari ah oo yar ayaa sanadki hore muddo seddex bilood ah oo qaybaha dambe ee isha loogu rakibay indho macmal ah ama nidaamka aragga ka caawiyo ee dad sameega ah. Neefkan idaha oo qayb ka ah tijaabada nidaamkan aragga lagu sameynayey ayey cilmi-baadhayaashu ujeeddadiisu ku sheegeen in looga gol leeyahay in ay wax ku arki karaan dadka aragga la' iyaga oo adeegsanaya nidaamkan macmalka ah iney wax arki karaan. Ujeeddada gaarka ee tijaabada idaha ayaa loogu talo galay in la eego sida uu qalabkaasi neefka lagu tijaabiyey uu jirkiisa uga falcelinayo. Nidaamka aragga ee Bionic natiijada baaritaanka ka soo baxday ay keentay in la soo jeediyo dalab ah in qalabkaasi lagu billaabo bukaannada baniddamka aragga u dhib qaba. Phoenix 99 oo ah aalad aan wax fiilo ah u baahneen oo kaameerad yar wadata ayaa lagu xiraa qaybta dambe ee isha ama halka aragga uu ka soo billaawdo oo afka qalaad loo yaqaanno retina. Retina waa lakab unugyada dareenka iftiinka ee xagga isha dambe ka yimaaddo u beddelo farriimo danabaysan, farriimahaasi loo diro maskaxda loona sii mariyo neerfaha aragga ee sababa inaan indhaheennu wax arkaan. Qalab Phoenix 99 wuxuu awoodaa inuu dhaafo unugyada Retina ee buka kaddibna wuu kiciyaa si ay u shaqeeyaan. ""Ma jiraan falcelin lama filaan ah oo ka yimid unugyada ku wareegsan aaladda, waxaanan fileynaa inay sii jiri karto sanado badan,"" ayuu yiri Samuel Eggenberger, ka tirsan Jaamacadda Sydney. Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay sheegtay ugu yaraan 2.2 bilyan oo qof oo daafaha dunida ku kala nool ayaa la kulma nooc ka mid ah aragga daciifka ah, ilaa iyo aragti la'aan. WHO waxay sheegtay khasaaraha dhaqaale ee dadkaasi aragga la' ee dunida ku nool sanadkii ka soo gaaraya ay ka badan tahay $25 balyan oo doolar. Isticmaalka nidaamka aragga soo celiya ee bionic wuxuu dawo u yahay indho la'aanta balse weli waa billow u baahan in tijaabada nidaamkan lagu sameynayo la sii laba jibbaaro, hase yeeshee horumarinta teknooloojiyadaha noocan ah ay si xowli ah u socdaan. Warbixin arrinkan laga diyaariyeyna waxay sheegtay horumarinta teknooloojiyadahaasi marka la gaaro 2028-ka ay ku kaceyso $426 malyan oo doolar. ""Horumarka tignoolajiyada ayaa dib u qeexaya daaweynta indhaha,"" ayey tiri Dr Diane Hilal-Campo, oo takhasuskeedu yahay indhaha oo ka howl gasha New Jersey. Wuxuuna agabkaasi uu u shaqeynayaa qaab la mid ah nooca cusub ee Phoenix 99, nooci ugu horreyeyna waxa markii ugu horreysay bukaan lagu rakibay 2011-kii. Aragtida labaadna waxay horseedda nooca cusub ee loo yaqaanno Orion. Qalabkaasi oo ah mid maskaxda qofka lagu rakibo waxayna shirkaddu sheegtay ujeeddada Orion laga leeyahay inuu yahay inuu daweeyo dhammaan noocyada indha la'aanta qotoda dheer ee dunida ka jirta. Wuxuuna mashruuca weli mariyaa heerka tijaabada koobaad. Dr Hilal-Campo waxay sheegtay dhibaatada wakhti xaadirkan jirta iney tahay teknooloojiyadda oo qaali ah taasoo keeni karta ""iney dad yar oo keli ah ay helaan."" Tusale ahan nooca Argus II qiimahiisu wuxuu gaarayaa $150,000 oo doolar. Waxay intaas ku dartay in maadaama tignoolajiyaddu ay weli curdin tahay natiijadu aanay weli gabagabo u dhowayn. ""Shaki iigama jiro in tignoolajiyadda ay wax ka beddeshay nolosha bukaannada nasiibka u yeeshay in la siiyo qalabkan,"" ayey tiri Dr Hilal-Campo. ""Hadda, si kastaba ha ahaatee, tignoolajiyadda ayaa xaddidan, kaliya u oggolaanaya aragtida iftiinka iyo hooska, iyo, ilaa xad, qaababka. ""[Weli] waxaan ku rajo weynahay, in sanadaha soo socda, shirkadaha teknooloojiyadda ay sii wadi doonaan inay helaan habab cusub oo lagu caawiyo dib u soo celinta aragga kuwa aan nasiibka u yeelan iney wax arkaan."" ""Waxaan rumaysanahay in marka tayada tignoolajiyaddu ay gaarto heerka ku habboon, oo ay la timaaddo shay qiyaaseysa aragtida ay gaarto isha caafimaadka qabta, tignoolajiyaddani waxay noqon doontaa mid raqiis ah oo meel walba laga helo,"" ayuu yidhi Bhavin Shah, oo ah dhakhtar indhaha ku takhasusay uu fadhigiisu yahay London. Waxayna far fiiqday sida taleefanka iPhone ee ay soo saarto shirkadda Apple oo kale inuu qalabkaasi noqon doono mid ay dadku helaan. Sida oo kalana si la mid ah teknooloojiyadahaa teleefanka iPhone uu isticmaalo mid la mid ah ay dadka aragga la' cod ahaan farriimaha ku helaan ama dhaqdhaqaqa kaameerada ay sameyso ay xog badan oo caawiso ku heli karaan. Mudda dheer, waxay aaminsaneyd in qaar ka mid ah faa'iidooyinka ugu muhiimsan ee tiknooloojiyadda daryeelka indhaha ay ka iman doonaan ku biirinta siyaasadaha iyo nidaamyada dadweynaha ee saaxiibka la ah naafanimada. Hal tusaale waxaa ka mid noqon kara isticmaalka tignoolajiyadda ka digtoonaan karta rakaabka aragga naafada ka ah ee jadwalka baska iyo ka warhaynta marka basku soo socdo, taas oo meesha ka saaraysa dhibaatooyinka iman kara meesha baska istaago. Taas macnaheedu maaha in Dr Squier uusan arkin tignoolajiyadaha casriga ah sida nidaamka bionic oo ay ku jiraan oo saameyn weyn ku leh mustaqbalka marka ay tignoolajiyadda horumarto. ""Waxaan u maleynayaa in xitaa indhaha bionic ay u socdaan jihada saxda ah,"" ayay tiri. ""Laakiin waa inaan aragnaa sida ay wax u dhacaan.""" https://www.bbc.com/somali/war-60396806 +technology NewNew: Maxaad kala socotaa App-ka aad qof kale noloshiisa ku hagi karto? "Sidee dareemi lahayd hadaad awood u yeelato inaad hagto nolosha qof kale? Barnaamijkan cusub ayaa fursadaas ku siinaya. Markii Brandon Wong, oo qoraa ah ay dhowaan ku adkaatay inuu go'aansado nooca cabitaanka uu dalbanaayo ayaa wuxuu taageerayaashiisa isticmaala barnaamijka NewNew ka codsaday inay dalabka u sameeyaan. Kuwa doonayay inay ka qayb qaatan ayaa bixiyay $ 5 doollar si ay u codeeyaan , balse dadkii ugu badanna ayaa kula taliyay inuu dalbado cunnooyinka Kuuriya, sidaas ayuuna ku iibsaday. ""Waxaan kala dooran waayay cuntada Shiinaha iyo Kuuriya, sidaas darteed waxaa go'aankaas iga caawiyay tageerayaashayda,"" ayuu yiri Mr Wong, oo ku nool magaalada Edmonton, Canada Waxaan sidoo kale adeegsaday barnaamijka NewNew si aan u go'aansado dharka aan xiranaayo maalintaas, iyo waxyaabo kale oo badan . ""Waxaan ku soo biiray barnaamijkan bishii Maarso, ilaa afar jeer ayaan isbuucii isticmaala, ku dhowaad 1,700 oo qof ayaa ilaa hadda ka codeeyay cinwaankayga. Barnaamijka NewNew ayaa waxa aasaasay ganacsato fadhigeeda yahay magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka, App-ka ayaa weli si rasmi ah u shaqa gelin, Courtne Smith ayaa barnaamijkan ku tilmaamtay ""suuqa saamiyada aadanaha oo aad ka iibsato saamiyada nolosha dadka dhabta ah, si aad u maamusho go'aanadooda una daawato natiijada"". In badan oo naga mid ah waxa laga yaaba inay layaaban yihiin barnaamijkan, balse dhab ahaan way ka cabsi yar tahay sida loo malaynaayo. Waxaa loogu talagalay waxa ay ugu yeertay ""aasaas"" qorayaasha, farshaxanistayaasha muusikiistayaasha, nashqadeeyayaasha iwm. Waxaa loo qaabeeyey hab ay si dhow ugu xirnaan karaan taageerayaashooda ama kuwa raacsan marka loo eego adeegyada kale ee baraha bulshada iyo muhiimadda ugu weyn oo ah inay lacag ka helaan isku xirkaas. Mr Wong, oo ah qoraa ayaa sheegay inuu isticmaalay App-ka NewNew, isaga oo taageerayaashiisa ka dalbaday inay u codeeyaan mowduuca xiga ee uu wax ka qori karo. Marka kasta oo uu qofka dalbado barnaamijka codaynta wuxuu helayaa lacag. Marka loo eego barnaamijyada kale ee sidaan u shaqeeya ayaa NewNew waxay uga duwantahay qof walba oo codeeya waa inuu lacag bixiyaa, marka waxaa la dhihi karaa waa App nooca aan weli la arag. Balse NewNew oo la hirgeliyay muddo laba bilood ka hor ayaa kaliye waxa hadda isticmaala dad gaaraya ilaa boqol qof oo caan ah. ""Barnaamijka NewNew wuxuu leeyahay laba faa'iido,"" ayey tiri Ms Smith. Shan doollar waxa laga yaaba inay tahay lacag yar balse adiga oo waqti fiican taageerayaashada la qaadanayo ayaad hadana lacag helaysaa. Ms Smith waxay barnaamijkan ka shaqaynaysay labadii sano ee la soo dhaafay, Fikradaan ayaa laga soo guuriyay App kale oo ay horay u samaysay. Ka hor inta aysan ganacsato noqonin waxay muddo toban sano ah la shaqaynaysay fanaanka u dhashay dalka Canada Drake, waxayna qayb ka noqotay kooxda maamulkiisa. Labadaba hadda waa saaxiibo isku dhow waxayna sheegtay in Drake uu la socday barnaamika NewNew. Khabiir dhanka ganacsiga Stuart Duff, oo qayb ka ah shirkadda UK ee Pearn Kandola, ayaa sheegay in NewNew ay u muuqato madadaalo, ayna tahay in ""ay abuuraan xiriiro gaar ah oo u dhexeeya shaqsiyaada caanka ah iyo kuwa ku xiran"". Afhayeen u hadlay NewNew ayaa sheegtay in shirkaddu ""ay xaq u leedahay inay gebi ahaanba meesha ka saarto oo ay mamnuucdo qof kasta iyo waxyaabaha ku jira haddii ay ka hor yimaadaan tilmaamaha iyo shuruucda barnaamijka"". Waxay intaas ku dartay: ""Badbaadada dadka ku jira APP-KA oo dhan ayaa ah muhiimadda koowaad. Shirkaddu waxay dib u eegis ku samaysaa dhammaan waxyaabaha lagu baahiyo iyo iyada oo loo marayo AI, sii aan loo baahinin wixii aan habboonayn. André Patrick, waa 34-jir ku nool magaalada Toronto, wuxuu isticmaala App-kaa NewNew. Wuxuu sheegay inuu markii hore ugu soo biiray si uu uga falceliyo muuqaal uu soo dhigay shaqsi uu taageersanaa. ""NewNew waa hab cusub oo qofka aad taageersantahay ugu dhawaan kartid, waxayna muujineysaa dabeecadda kale ee aadan qofka ka aqoonin,"" ayuu yiri. Marka App-ka NewNew ma noqon karaa waxa ugu weyn ee soo socda ee dhanka baraha bulshada? Kummanaan ama xitaa malaayiin naga mid ah ma bilaabi doonaan inay u codeeyaan waxa qoraaga ama muusikiistaha casho u dalban karo? Diyaar ayaan u ahay inaan go'aankaas kaa caawiyo." https://www.bbc.com/somali/war-57128195